Wararka
WARARKA MAANTA 5ta Luulyo, 2025 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta: Yaa lacag uu xaday laga xanibay #Switzerland? Yaa dastuurkii dalka beddeshay? Yaa diidan inay doorasho qabto wada-ogol ah? Yaa musuqmaasuq ugu weyn sameeya Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa boobay shacabka #Muqdisho Madxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” Iyo Qoysaskiisa? Yaa burburiyey ciidanka xoogga? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Ha Wiqleyso!
Muqdisho Luulyo 5ta, 2025
Buruundi Luulyo 5ta, 2025 Midowga Afrika ayaa u kordhiyay joogitaanka ciidamada Burundi ee Soomaaliya muddo lix bilood ah, iyagoo sii ahaanaya qeyb ka mid ah howlgalka cusub ee AUSSOM.
Tani waxay imaaneysa kadib markii horey loo qorsheeyay in ciidamada Burundi ay ka baxaan dalka ugu dambeyn 30-ka Juun 2025.
Go’aankan ayaa yimid kadib kulan ay yeesheen Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika (AU Peace and Security Council) oo lagu xusay baahida degdegga ah ee lagu buuxinayo “meelaha bannaan” ee ka jira ciidamada AUSSOM, maaddaama dib u dhac uu ku yimid soo gudbinta ciidamada ka socda dalalka kale ee ku biiraya howlgalka, gaar ahaan Masar.
Ciidamada Burundi ayaa si kumeelgaar ah u sii joogaya si ay u xoojiyaan dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, iyagoo sidoo kale taageero siinaya dowlad-dhiska iyo sugidda amniga gudaha Soomaaliya.
Waxaa la rajeynayaa in inta lagu guda jiro lixda bilood ee kordhinta ah, dhammaan dalalka kale ee ciidamo ku biirinaya AUSSOM ay si buuxda u soo dhameystiraan diyaar-garowgooda.
Go’aankan ayaa muujinaya caqabadaha weli ka taagan kala-guurka laga sameynayo howlgalka ATMIS loona gudbayo AUSSOM, iyadoo arrimaha dhaqaalaha iyo qorsheynta ciidamada ay yihiin caqabado weli taagan.
Muqdisho Luulyo 5ta, 2025 Dowladda Soomaaliya ayaa soo cusbooneysiisay baaqeedi ku aaddan kordhinta taageerada ay beesha caalamka siiyaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) iyo maalgelin joogto ah oo ay ku bixiso howlgalka nabad ilaalinta ee muhiimka u ah xasilinta Soomaaliya.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Cali Maxamed Cumar ayaa baaqan jeediyay Khamiistii xilli uu socday kulan dhanka fogaan araga ah oo heer wasiir ah oo ay yeesheen Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika (PSC), kaasoo diiradda lagu saarayay xaaladda ammaan ee Soomaaliya iyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Wasiir Cali Balcad oo la hadlayay wasiirada kale ayaa muujiyay sida ay Soomaaliya uga xuntahay shilkii 2-dii bishii July ka dhacay magaalada Muqdisho kaas oo galaaftay nolosha shan askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Uganda, Wuxuuna tacsi u diray qoysaskii ay ka geeriyoodeen, dowladda Uganda, iyo guud ahaan Howlgalka AUSSOM.
Waxa uu xusay in taageerada ay ka heleen saaxiibada Afrika ay door ka qaateen dib u soo celinta dhulalka xagjiriinta, soo celinta adeegyada bulshada ee muhiimka ah, iyo dib u dhiska hay’adaha qaranka ee asaasiga ah.
Iyadoo AUSSOM ay hadda si buuxda u shaqa bilawday 1-da Luulyo iyadoo la raacayo habraacyada cusub oo ogolaanaya in loooso diro Soomaaliya 11,911 Askari, ayuu wasiir Cali wuxuu ku tilmaamay howlgalka inuu yahay ajendaha amniga qaranka ee Soomaaliya.
Waxa uu carabka ku dhuftay in ay diiradda saarayso ilaalinta rayidka, ilaalinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo taageeridda ciidamada Soomaaliya si ay uga jawaabaan khataraha ka imaanaya kooxaha Argagixisada.
Si loo dammaanad qaado sii jirista howlgalka, Wasiir Cali Balcad waxa uu ku baaqay in la qabto Shirweyne Maalgelineed oo AUSSOM ah, isaga oo soo jeediyay in mid kamid ah wadamada Khaliijku martigeliyaan.
Muqdisho Luulyo 5ta, 2025 Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa saakay Khawaarijta ku weeraray deegaanka Gumarre oo hoostaga degmada Moqokori, halkaas oo lagu jebiyey, lagana saaray cadowga Khawaarijta ah.
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in firxadka Khawaarijta ay u sii baacsanayaan dhanka deegaanka Ceel-qooxle, isla markaana goobihii lagu dagaalamay ay daadsan yihiin meydadka Khawaarijtii saakay lagu ekeeyey weerarka.
Howlgalka oo weli socda wixii kasoo kordha kala soco Warbaahinta Qaranka.
WARARKA MAANTA 4ta Luulyo, 2025 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta: Yaa musuqmaasuq ugu weyn sameeya Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa boobay shacabka #Muqdisho Madxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” Iyo Qoysaskiisa? Yaa burburiyey ciidanka xoogga? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Ha Wiqleyso!
Muqdisho Luulyo 4ta, 2025Ku dhawaad 300 oo ruux ayaa baaritaano iyo adeegyo caafimaad oo dhanka Indhaha ah loogu sameeyay degmada Warshiikh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, Koox caafimaad oo ay hormuud ka yihiin dhallinyaro dhaqaatiir indhaha ah ayaa adeeggan caafimaad oo baahi weyn ay u qabeen dadka deegaanka ku nool u sameeyey baaritaano, Qalliino iyo daaweyn caafimaad oo indhaha ah, Ololahan waxaa ka faa’iideystay dadka danyarta ah ee deegaanka.
Galdogob Luulyo 4ta, 2025 TALIYE CABDI CASEYR HALALA SHAQEEYO
hala qorto ciidanka faderalka somalia mudug ka shaqeynaya qofkasta reer kasta hada ha isqoraan ka faa,idaysta fursada ama sidiini odayaal iyo horgalo tuuga ah oo maamulka putland lacag ka qaata ha idinka hor istaagaan oo been ha idiin sheegaan
Maamulka xaasidka nagu ah ee putland sidiisi buu dhihahaya anaa ciidan qoraya
Sidii waagii wasiirad fardowso Osman egal ay rabtay inay ciidan noo qorto ay yimaadeen maamulkaas iyo kuwa horgalada ah u ah ciidanka intay diwaan galiyeen aan dib danbe ugu soo laaban hala iska jiro wixii waagi hore oo kale
Jarmalka Luulto Luulyo 4ta, 2025 Sida lagu ogaaday baadhitaan ay si wadajir ah u fuliyeen warbaahinta Jarmalka ee DW iyo ARD, Ayuub Cabdirisaaq (oo loo yaqaan “Kabtan Ayuub”) iyo Yacquub Siyaad, oo ah dhallinyaro Soomaali ah oo caan ka ah baraha bulshada, ayaa si joogto ah ugu faafinayay fariimo naceyb iyo hurin dagaal ah, iyaga oo sannado badan si toos ah uga hawlgalayay gudaha dalka Jarmalka.
Baadhitaanka ayaa lagu sheegay in fariimo ay ku dhiirrigelinayaan colaadaha ay si joogto ah ugu baahiyaan baraha sida Facebook iyo TikTok, iyaga oo gaadha boqollaal kun oo taageerayaal ah, kuwaas oo ay badankoodu Soomaali yihiin, kuna sugan gudaha iyo dibedda. “Fariimahooda waxa ka buuxa naceyb qabiil, baaqyo dagaal, dhiirrigelin ah in rasaas lagu furo askarta iyo dad rayid ah, iyo talooyin ku saabsan sida loo weeraro goobaha ciidanka,” ayaa lagu yidhi warbixinta.
Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in Kabtan Ayuub, oo sheegay inuu 13 jir ahaa markii uu qori qaatay kuna biiray dagaal-beeleed, uu ku faano inuu galay in ka badan 30 dagaal, sidoo kalena uu ka mid ahaa budhcad-badeedda sanadihii hore. Ayuub waxa uu Jarmalka galay sanadkii 2017, balse markii dambe si qarsoodi ah ayuu ugu laabtay Soomaaliya, isagoo markaas ku biiray Ciidanka Difaaca Puntland.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in Yacquub Siyaad oo isagana si weyn looga yaqaan baraha bulshada, uu ku baahiyo hadallo naceyb ah oo uu ku dhiirrigelinayo taageerayaashiisa inay “gooyaan madaxda cadowga.” DW waxay sheegtay in labada nin muddo dheer ay ka badbaadeen in la ogaado madaama oo ay ku hadlaan afqalaad.
“Markii uu dagaalku ka qarxay magaalada Laascaanood horraantii 2023, labada ninba waxay si firfircoon uga qayb qaateen hurinta colaadda, iyagoo u safaraya Soomaaliya, la kulmaya jabhadaha hubeysan, kana duubaya muuqaallo ay ku faafiyaan baraha bulshada si ay taageero iyo dhaqaale uga helaan jaaliyadaha dibedda,” ayaa lagu yidhi warbixinta.
Daraasadda DW iyo ARD ayaa daahfurtay in Ayuub xidhiidh dhow la leeyahay madaxda sare ee Puntland, gaar ahaan Madaxweyne Siciid Deni, waxaana la arkay sawirro muujinaya Ayuub oo fadhiya safka hore ee munaasibado ama la socda madaxda maamulka.
“Waxa xusid mudan in Ayuub u ballanqaaday $20,000 qof kasta oo sameeya maleeshiyo hubaysan. Inkasta oo Yacquub aan si fudud ugu laaban karin Soomaaliya (maadaama maxkamad milatari oo Puntland ah ku ridday 10 sano xabsi ah isagoo maqane ah), haddana weli wuxuu sii hurinayaa nacayb iyo dagaal isagoo ku sugan magaalada Düsseldorf,” ayay warbixintu tidhi.
Khubarada amniga ee lagu waraystay warbixintan waxay sheegeen in labada nin ay wadaan “dagaal xogeed” (information warfare), taas oo ah nooc cusub oo colaadeed oo lagu burburinayo nabadda gudaha Soomaaliya, iyada oo la adeegsanayo tiknoolajiyadda iyo baraha bulshada.
Muqdisho Luulyo 4da, 2025 Muqdisho, Khamiis 3 Luulyo, 2025: — Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa si aqlabiyad ah u ansixiyay 9 Murrashax ee Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ), oo ay soo gudbisay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.
Go’aankan waxaa lagu gaaray si waafaqsan xeer hoosaadka Golaha, Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo iyada oo la tixraacayo Qodobka 17aad, farqaddiisa (1) ee Sharci Lr. 16 ee 27 Juunyo 2016, kadib markii la sameeyay hab-raac xulid oo adag, hufan, oo daah-furan, si buuxanna u waafaqsan Qodobada 8aad, 15aad iyo 16aad ee isla sharcigaas.
Murrashaxiinta waxaa lagu soo xulay iyadoo lagu saleynayo kartidooda, daacadnimadooda, iyo hufnaantooda, iyo iyada oo la raacayo habraacyada caalamiga ah, gaar ahaan Mabaadi’da Baariis iyo Gunaanadyada Guud ee GANHRI (Isbahaysiga Caalamiga ah ee Hay’adaha Xuquuqul Insaanka ee Qaran).
Xubnaha Guddiga oo ka kooban sagaal ayaa waxay kala yihiin:
1. Axmed Shiikh Xamsa Abshir
2. Cali Maxamed Cilmi
3. Dr. Cumar Cabdulle Calasow (PhD)
4. Dr. Maryam Qaasim Axmed
5. Faadumo Cabdiqani Yuusuf
6. Farxaan Maxamed Jimcaale
7. Dr. Maxamed Cismaan Maxamuud (PhD)
8. Maxamed Haaruun Maxamuud
9. Muumina Shiikh Cumar
WARARKA MAANTA 3da Luulyo, 2025 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta: Yaa boobay shacabka #Muqdisho Madxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” Iyo Qoysaskiisa? Yaa burburiyey ciidanka xoogga? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Ha Wiqleyso!
Muqdisho Luulyo 3da, 2025 Dhowaan, iyagoo la kaashanaya QM, ayey Xafiiska Amniga Qaranka Soomaaliya iyo Hay’adaha Amniga Soomaaliyeed ee Galmudug, Hirshabeelle, iyo Koonfur Galbeed yeesheen wadatashiyo maalmo socday oo ku saabsan qabyo qoraalka Istaraatiijiyadda Amniga Qaranka iyo istaraatiijiyadaha amniga ee Dowlad Goboleedyada. 91 qof oo ka kala socda wasaaradaha muhiimka u ah amniga iyo ciidamada amniga ayaa ka qeybgalay kulankan, iyadoo ujeedadiisu aheyd in la waafajiyo istaraatiijiyadaha xaaladaha gaarka ah, wax ka qabashada baahiyaha amni, iyo waxyaabaha khatarta gaarka ah ku haya dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Puntland State Luulyo 3da, 2025MADAXWEYNAHA OO DHAGAX DHIGAY DHISMAHA WADADA BACAADWEYN-GAALKACYO.
Bacaadweyn: 03 July 2025: Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni oo safar shaqo ku tegay Deegaanka Bacaadweyn, ayaa dhagax dhigay dhismaha wadada isku xirta Bacaadweyn iyo Gaalkacyo, taasi oo lagu dhisayo isku tashi iyo cashuurta shacabka laga qaado oo dalka dib loogu dhisayo.
Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, Goleyaasha Dowladda Puntland, Isimo, waxgaarad, qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Injineerada shirkadaha dhisaya wadada.
-DHAMMAAD-
South West State Luulyo 3da, 2025 Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka qayb galay Munaasabadda Daah-furka Ololaha Diiwaan gelinta Codbixinta Deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed.
Munaasabadda Diiwan-Gelinta ayaa waxaa ka qeybgalay Mudanayaal ka tirsan Goliyaasha Dowladda Koonfur Galbeed xubno ka tirsan Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha iyo qeybaha kala duwan Bulshada Magaalada Baydhabo.
Madaxweyne Laftagareen oo noqday Qofkii ugu Horeyey ee qaata Shahaada Diiwan-Gelinta Cod Bixiyaasha ayaa Bulshada Koonfur Galbeed kula Dardaarmay inay is Diiwan-Geliyaan kana qeyb qaatan Hanaanka Doorashooyinka Qofka iyo Codka.
Muqdisho Luulyo 3da, 2025 Dowladda Mareykanka ayaa afar maalmood gudahood joojisay 256 qandaraas oo lagu sheegay inay ahaayeen kuwo aan wax-soo-saar muuqda lahayn, kuwaas oo qiimahooda guud lagu qiyaasay $14.3 bilyan.
Go’aankan ayaa keenay in dowladda ay badbaadiso $11.5 bilyan oo kharash ah oo la bixin lahaa.
Qandaraasyadan la baajiyay waxaa ka mid ahaa mid si gaar ah u khuseeya Soomaaliya, kaasoo ahaa heshiis ay bixisay hay’adda horumarinta caalamiga ah ee Mareykanka (USAID).
Qandaraaskan oo lagu qiimeeyay $850,000 ayaa loogu talagalay in lagu shaqaaleysiiyo la-taliye ku takhasusay “adkeysiga” (resilience advisor) oo ka howlgali lahaa gudaha Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, dowladda ayaa u aragtay in qandaraaskan aanu lahayn wax-soo-saar muuqda ama mid muhiimad u leh danaha guud ee dalkeeda.
Sidoo kale, waxaa la joojiyay qandaraas kale oo uu bixiyay maamulka adeegyada guud ee Mareykanka (GSA), kaas oo lagu qiimeeyay $198,000, islamarkaana la xiriiray la-talin ku saabsan hagaajinta habraacyada shaqada iyo ganacsiga.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallo ballaaran oo ay dowladda Mareykanka ku baarayso qandaraasyada ay bixiso si looga hortago kharash-bax aan qiil laheyn, loogana dhigo nidaamka maaliyadeed mid hufan oo wax ku ool ah.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in howshani ay sii socon doonto si loo xaqiijiyo in lacagta canshuur bixiyayaasha Maraykanka loo adeegsado meelaha ugu waxtarka badan.
Joojinta qandaraaskan Soomaaliya khuseeya ayaa imaaneysa iyadoo Mareykanka horeyba u hakiyay ama u dhimey mashaariic gargaar oo muhiim u ahaa Soomaaliya, kuwaas oo ay ku bixi jirtay balaayiin dollar sanad walba.
Tan iyo sanadihii u dambeeyay, waxaa sii yaraanayay maalgelinta Mareykanka ee dhinacyada horumarinta, nabadeynta, iyo dib u dhiska hay’adaha Soomaaliya, arrintaas oo saameyn ku yeelatay qorshayaal badan oo lagu xasilin lahaa dalka.
Qoryooleey Luulyo 3da, 2025 Wararka ka imaanaya degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan rasaas khasaare kala duwan geysatay ku fureen dad shacab ah oo ku sugnaa Suuq yaraha degmadaas.
Rasaasta maleeshiyaadka hubeysan fureen ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray qaar ka mid dadka shacabka ah ee ku sugnaa Suuq yaraha degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Hal qof oo dumar ah ayaa la xaqiijiyay iney ku geeriyootay rasaasta maleeshiyaadka ku fureen dadka shacabka ah, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay laba ruux oo kale, sida ay warbaahinta gudaha u sheegeen dad ku sugnaa Suuq yaraha Qoryooleey.
Qofka geeriyooday ee dumarka ah ayaa magaciisa lagu sheegay Xabiibo Cali Shiiqaaley oo ahayd haweeney suuqaasi ku ganacs jirtay, islamarkaana halkaas ka dabari jirtay nolol maalmeedka qoyskeeda.
Maleeshiyaadka hubeysnaa ee falkaan geystay ayaa si deg deg ah uga baxsaday goobta, lamana oga ilaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay weerarka maleeshiyaadka geysteen, mana jirto cid loo soo xiray ama lagu tuhunsan yahay iney ka dambeeyeen falkaas.
Si kastaba ha ahaatee weerarkaan ka dhacay Suuq yaraha Qoryooleey oo cabsi badan galiyay dadka ku nool degmadaas ayaa kusoo aadaya, iyadoo magalaadassi inta badan ay ka dhacaan dagaal beeleeyo geysta khasaariiyun isugu jira dhimasho, dhaawac iyo mid hantiyadeed.
Muqdisho Luulyo 3da, 2025 Dowladda Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay dowladda iyo shacabka Uganda, kadib shilkii naxdinta lahaa ee khasaaraha ka soo gaaray 8 ruux oo saarneeyd diyaarad Helicopter ah oo ay lahaayeen ciidamada Uganda ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya ayaa bogaadisay geesinimada iyo dadaalka ay muujiyeen askarta Uganda, waxaana ay xaqiijisay in ficiladooda geesinimada leh ay muujineyso doorka joogtada ah ee Uganda ee taageerada horumarka iyo barwaaqada Soomaaliya.
War kasoo baxay Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda muujisay sida ay uga mahadcelineyso naf-hurnimada ay u hureen ciidamada ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya
“Waxaan garab taagannahy waqtigaan adag oo aan xanuunka la qeybsanaynaa Shacabka Iyo Dowladda Uganda dadkii kaga geeriyoodey diyaaradii ay saarnaayeen oo ku dhacday Garoonka Aadan Cade”. ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Waaaradda Warfaafinta Soomaaliya.
Howlgalka AUSSOM iyo Hay’adda socdaalka ayaa isla baaraya waxyaabaha dhaliyay shilka ku yimid diyaaradaasi Helicopter ka ahayd.