Wararka

Wararka

WARARKA MAANTA 21ka Janaayo 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa fashilay amniga dalka? Yaa diidi kara inuu Madaxweyne Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” xukunkiisa iyo dowladdiisa aysan xitaa ka shaqayn #Muqdisho oo shacabkii uu barabiciyey? Yaa maanta khasbay inuu Madaxweyne Dowlad Gobaleed ka aqood bato Madaxweynaha Dowladda Federaalka? Yaa diiday inuu sameeyo #Maqaamka #Muqdihso Iyo Guddiyadda kala duwan ee hawlaha dowlliga qaabilsan? Maxuuse  Madaxweyne Xassan “Dhuuso-Fooxiye” uu bbobay hantidii dadweynaha? Maxayse beesha caalamka u diiday inay wax dhaqaallo siiso  Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa diidan inay Soomaaliya xor ahaato  Madaxweyne Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Maxay mucaaradka #Soomaaliya uga nixiyeen  Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa raba maanta inuu  Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye” ka soo baxo Madaxtooyada oo uu fashil iyo tuuganimo qaaday? Ma waxay siyaasaddii iyo aqoontii  Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye” ku soo dhammaatay caruurtayda ama ilmahayga wax baan ku baray hantidii dadweynaha? Ha Wiqleyso!

Muqdisho 21ka Janaayo 2025– Dhowr saacadood kaddib marki loo dhaariyay xilka madaxweynaha 47-aad ee Mareykanka, ayuu madaxweyne Donald Trump xalay fiidkii saxiixay tobnaan wareegto madaxweyne oo kala duwan.

Qaarkood ayuu ku hor saxiixay ilaa 20,000 ka mmid ah taageerayaashiisa oo isugu tagay xalay garoonka kubadda koleyga ee Caiptal One Arena ee magaaladan Washington D.C.

Amarrada sharci ee uu illaa haatan saxiixay Trump ayaa kala ah

1. Cafinta dhamaan dadkii ku eedaysnaa kiiskii 6-dii Janaayo ee rabshadii xarunta baarlamaanka sanadkii 2021-ka.

2. Ka bixitaanka xubinnimada hay’ada caalamiga ah ee caafimaadka aduunka (WHO).

3. Xiritaanka xuduudaha Koonfureed ee Mareykanka.

4. Ka bixitaanka heshiiskii xakamaynta isbedelka cimilada aduunka ee Paris.

5. Joojinta aqoonsiga Mareykanka ee ay heli jireen caruurta ku dhasha dalka ee aan waalidkood sharciga ku joogin Mareykanka (Birth Citizenship). Tani ma saameynayso haddii waalidku sharci haysto, keliya waxay khusaysaa ilmaha ay dhalaan waalidka sharci darada ku jooga dalkaasi.

6. Ka qaadista cuna-qabataynta madaxweyne Biden uu kusoo rogay maamulka Netanyahu.

7. Mamnuucida dadka aan lahayn jinsiga asalka ah ee (lab iyo dhedig) ee kamid noqoshada milatariga iyo laalitaanka amarkii Biden ee u garbinayay luudka.

8. Joojinta hawlaha qaxootiga lagu keenayo Mareykanka.

9. Mukhalasiinta dadka tahriibiya iyo kooxaha daroogada soo galiya Mareykanka oo argagixiso shisheeyo loo aqoonsado.

10. Hirgalinta wasaarad cusub oo lagu magacaabo wasaaradda xaqiijinta shaqooyinka dowladda.

Tobankaan amar ee Trump soo saaray ayaa qeyb ka ah ku dhowaad 200 bayaan amar madaxwayne ah, kuwaas oo dhamaantood saamayn ku leh siyaasadda caalamka ee Mareykanka iyo tan gudahaba.

Muqdisho 21ka Janaayo 2025 Khilaaf siyaasadeed oo culus ayey cagaha la sii geleysaa Soomaaliya, Farmaajo, Sheekh Shariif, CC Shakuur iyo in ka badan 100 Xildhibaan ayaa gasha kala baxay seefta mucaaradnimada, maalmaha soo socda waxaa lagu wadaa in Muqdisho marti-geliso siyaasiyiin badan oo mucaarad ku ah hoggaaminta Xasan Sheekh.

Sidoo kale, siyaasadda arrimaha dibadda ayaa weli qasan, Fahad Yaasiin oo kol sii horeysay farriin soo saaray ayaa Xasan Sheekh kula taliyey in labada khilaaf ee kan gudaha iyo kan arrimaha dibadda uu mid un xaliyo, maadaama waqtiga u haray uusan labadaba ku xali karin.

Farogelin xoog leh oo arrimaha dibadda ah ayaa Soomaaliya ku socota, Kenya ayaa maalin ka hor u bareertay inay Axmed Madoobe oo u eedeysan dowladda federaalka ay dalka ka dhoofiso oo geyso Nairobi.

Itoobiya ayaa sidoo kale toos u taageereysa qorshaha Axmed Madoobe ku wiiqayo dowladnimada Soomaaliya, maalmo ka hor diyaarado hub sida ayey Itoobiya ka dejisay Kismaayo.

Sharciyadii socdaalka hawada Soomaaliya ayey sidoo kale toos u jebiyeen dowladaha Kenya iyo Itoobiya, dowladda Soomaaliya weli jawaab kama aysan bixin xad-gudubyadaas loo geystay madax-banaanida iyo qaranimada dalkeeda.

Arrimaha gudaha, waxaa taagan xaalad adag oo jaho wareer ah, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeysanaya doorasho qof iyo cod ah oo shacabku aad u rabaan, balse maamul goboleedyadu diidan yihiin.

Jubbaland iyo Puntland ayaa toos xiriirka ugu jaray dowladda federaalka, waxaana la is weydiinaya sida doorasho dalka looga qaban doono maamuladaas oo maqan.?

Maanta, guddiga doorashooyinka qaranka oo dhismihiisa ay mucaaradku ka soo hor jeedaan ayaa ku dhawaaqay in si rasmi ah ay u bilaabeen diiwaan-gelinta ururrada siyaasadda dalka, iyagoo soo dheji doona toddobaadka soo socda jadwalka doorashada.

Intaas waxaa dheer dagaal beeleedyada oo gobol iyo deegaan kasta ka qarxay, dowladda iyo maamul goboleedyada ayaa ku guul dareystay inay joojiyaan colaadaha sokeeye ee sii huraya.

Abaarta El-Nino ayaa sidoo kale dalka ku dhufatay, waxaana suurtagal ah in toddobaadyada soo socda ay guraan wabiyada dalka mara, sida ay saadaalinayaan quburadu, taasi oo sii adkeyn doonta xaaladda.

Kooxaha Khawaarijta ayaa sidoo kale dalka ka dagaalamaya weli, Puntland ayaa duulaan rasmi ah markii ugu horeysay ku qaaday Daacish ay mar hore ku fiirsatay buuraha gobolka Bari, kuwaas oo lagala kulmayo iska caabin aysan awoodi laheyn hadii mar hore la weerari lahaa.

Sidoo kale waxaan weli sal fariisan qorshaha howlgalka AUSSOM oo la rabay inuu dalka ka bilowdo 1-dii bishaan, dhaqaalihii howlgalkaan iyo ciidamada ka qeyb gelaya wadamada ay ka imaanayaan ayaan weli xal rasmi ah laga gaarin.

 Maraykanka 21ka Janaayo 2025– Donald Trump ayaa Isniintii sheegay in uu soo saari doono amarro fulineed oo ballaaran si uu dib ugu habeeyo qaabka ay Maraykanku ula macaamilaan arrimaha jinsiyadda iyo socdaalka.

Madaxweynaha 47-aad ayaa si degdeg ah u billaabi doona soo saarista awaamiir madaxweyne oo loogu talagalay in si weyn loo yareeyo tirada muhaajiriinta dalka soo galaysa.

“Marka hore, waxaan ku dhawaaqi doonaa xaalad degdeg ah oo aan ku soo rogayo xadka koonfureed ee dalkeenna,” ayuu Trump yiri daqiiqado ka dib caleema saarkiisa.

“Gelitaanka sharci-darrada ah ayaa si deg deg ah loo joojin doonaa, waxaana billaabi doonaa nidaam malaayiin dambiilayaal shisheeye ah loogu celinayo meelihii ay ka yimaadeen.”

Waxa uu sheegay in uu ciidamada militariga u diri doono xadka u dhexeeya Maraykanka iyo Mexico si loo joojiyo “duullaanka musiibada leh ee lagu soo qaaday dalkeenna.”

Trump, oo ku ololeeyay ballanqaadyo uu ku xakameynayo muhaajiriinta isla markaana uu ku kasbaday taageerada dadka ka walwalsan isbeddelka tirakoobka bulshada, waxa kale oo uu qorsheynayaa in uu joojiyo dhaqanka qadiimiga ah ee qarniyada soo jiray ee dhalashada si toos ah loogu siiyo qof kasta oo ku dhasha dhulka Maraykanka.

“Waxaan soo afjari doonnaa magangelyo-doonka,” ayay tiri afhayeenka ku xigeenka Aqalka Cad, Anna Kelly, iyadoo intaas ku dartay in la abuuri doono nidaam degdeg ah oo lagu celiyo dadka aan haysan fursad magangelyo-doon.

Dastuurka Maraykanka ayaa dhalasho siiya qof kasta oo ku dhasha dhulka Maraykanka.

Hase yeeshee Kelly ayaa sheegtay in tallaabooyinka Trump ay “caddeyn” doonaan waxyaabaha ku saabsan wax-ka-beddelka qodobka 14-aad ee Dastuurka, kaas oo la xiriira jinsiyadda dhalashada.

“Dawladda federaalku ma aqoonsan doonto jinsiyadda dhalashada ee tooska ah ee carruurta ku dhalata Maraykanka ee waalidiinta sharci-darrada ku jooga dalka,” ayay tiri.

La-taliyaha sare ee Trump iyo qofka lagu yaqaan fikirka adag ee socdaalka, Stephen Miller, ayaa baraha bulshada ku sheegay in albaabadu xiran yihiin.

“Muhaajiriinta sharci-darrada ah ee raadinaya inay galaan Maraykanka waa inay dib u noqdaan hadda,” ayuu qoray.

“Qof kasta oo soo gala Maraykanka iyada oo aan fasax loo siin waxa uu wajahayaa dacwad iyo masaafurin.”

Kelly waxa kale oo ay sheegtay in maamulka Trump uu dib u soo celin doono siyaasaddii “Ku sugnoow Mexico,” oo hore u jirtay muddo xileedkii hore ee Trump.

Sida sharcigaasi dhigayo, dadka dalbanaya in ay Maraykanka ka soo galaan xadka Mexico lama ogolaan karo illaa codsigooda go’aan gaaro.

Kelly waxay sheegtay in Trump uu qorshaynayo in uu u adeegsado ciqaabta dilka ah ee dadka aan Maraykanka u dhalan ee gala dambiyada culus, oo ay ku jiraan dilka.

“Tani waxay la xiriirtaa amniga qaranka. Waxay khuseysaa badbaadada dadweynaha, waana arrin ku saabsan dhibanayaasha qaar ka mid ah dambiyada ugu xun uguna waxashnimada badan ee dambiilayaasha soo galay dalkeenna abid, waxaana arrintani dhammaan doontaa maanta,” ayay tiri.

Muqdisho 21ka Janaayo 2025– Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si qoto dheer uga walaacsan xaaladda sii xumaaneysa ee bini’aadantinimo ee ka taagan Qaza, iyadoo ku boorrisay beesha caalamka inay qaadaan tallaabo degdeg ah oo wax ku ool ah oo lagu dhimayo dhibaatada dadka reer Falastiin

Qoraal rasmi ah oo uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Macallin Fiqi, intii lagu guda jiray kulan heer sare ah oo ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay yeesheen, ayuu si gaar ah ugu ammaanay kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaateen Qatar, Masar, iyo Mareykanka dhexdhexaadinta xabbad-joojinta.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa sheeegay in colaadda  Qaza ay sababtay khasaare naxdin leh oo ay ku dhinteen kumannaan qof oo aan waxba galabsan, halka burbur xooggan uu soo gaaray kaabayaasha muhiimka ah sida isbitaallada iyo iskuullada.

Soomaaliya ayaa ugu baaqday caalamka inay muujiyaan isku duubni, iyadoo adkaynaysa in loo baahan yahay xal waara oo la xiriira xaaladda Falastiin, si looga hortago dhibaatada sii socota ee saamaysay shacabka reer Qaza.

WARARKA MAANTA 20ka Janaayo 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa maanta khasbay inuu Madaxweyne Dowlad Gobaleed ka aqood bato Madaxweynaha Dowladda Federaalka? Yaa diiday inuu sameeyo #Maqaamka #Muqdihso Iyo Guddiyadda kala duwan ee hawlaha dowlliga qaabilsan? Maxuuse  Madaxweyne Xassan “Dhuuso-Fooxiye” uu bbobay hantidii dadweynaha? Maxayse beesha caalamka u diiday inay wax dhaqaallo siiso  Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa diidan inay Soomaaliya xor ahaato  Madaxweyne Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Maxay mucaaradka #Soomaaliya uga nixiyeen  Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa raba maanta inuu  Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye” ka soo baxo Madaxtooyada oo uu fashil iyo tuuganimo qaaday? Ma waxay siyaasaddii iyo aqoontii  Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye” ku soo dhammaatay caruurtayda ama ilmahayga wax baan ku baray hantidii dadweynaha? Ha Wiqleyso!

Muqdisho 20ka Janaayo 2025– Wiil yar oo uu dhalay wasiiru-dowlaha madaxtooyada Soomaaliya Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) ayaa xil sare looga magacaabay wasaaradda arrimaha dibadda, kadib wareegto uu soo saaray Wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Wasiirka ayaa Cabdiraxmaan Abshir Bukhaari u magacaabay agaasimaha guud ee waaxda sharciyada iyo heshiisyada caalamiga ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, sida ku cad wareegtada kasoo baxay xafiiska Wasiir Fiqi oo ay aragtay Caasimada Online.

“Waxaa dhammaan hay’adaha iyo xafiisyada ee warqaddani sida tooska ugu socoto iyo kuwa ogsiinta lehba lala socod-siinayaa in mudane Cabdirahman Abshir Mohamed loo magacaabay agaasimaha waaxda sharciyada iyo heshiisyada,” ayaa lagu yiri wareegtada.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Haddaba waxaa hay’adaha iyo xafiisyada sare ku xusan laga codsanayaa in aad u dhameystirtaan habraaca la xiriira wareegtadan gacana ku siisaan waajibaadkiisa shaqo”.

Wiilkan yar oo magacaabistiisu ka dhalatay hadal-heyn xooggan ayaa waxaa da’diisu tahay 22 jir, horayna ugama soo shaqeyn xafiis dowladeed, sida ay wararku sheegayaan.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa xilli wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya lagu eedeeyo inay ceyrisay diblomaasiyiin khibrad dheer u lahaa howlaha wasaaradda, kuna beddeshay shaqsiyaad aan waayo aragnimo badan laheyn.

Si kastaba, waxaa horay su’aallo badan looga keenay gabar uu dhalay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu la-taliye ka dhigtay, halka madax kalena ay caruurtooda ka shaqaaleysiiyeen xafiisyada dowladda Soomaaliya, iyaga oo u xiray mashaariic gaar ah.

Muqdisho 20ka Janaayo 2025 Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha Soomaaliya Cismaan Daallo oo la hadlay Tvga Qaranka ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ku howlan tahay sidii Warshadihii Dalka uu lahaa dib loogu howlgelin lahaa.

Wasiirka ayaa tilmaamay in mashariicda ay Dowladda fulineyso ay qeyb ka yihiin Soocelinta xarumihii warshadaha dalka, iyagoo loo bandhigayo ganacsata si ay uga faa’ideystaan dib u dhisna loogu sameeyo.

Wasiirka Cismaan Daallo ayaa carabka ku dhuftay in Dhulka, Qalabka & waxyaabaha kale ee maamusho Dowladda Federaalka ay shuraako kula noqonayaan ganacsatada daneyneysa in ay dib u howlgeliyaan Warshadihii Dalka si ay qudhooda fursad halkaas uga helaan.

“Dowladda Soomaaliya & Ganacsatada Soomaaliyeed in ay shirko ku noqdaan xarumihii hore Warshadaha Dalka si ay u wada maalgashadaan, Dowladda waxa ay leedahay dhulka, qalabka halka Ganacsatada hantidooda ay leeyihiin, taasina waxa uu hadda horyaallaa Baarlamaanka oo mardhow ansixin doonno.”ayuu yiri wasiir Cismaan Daalo

Ugu dambeyn wasiir Daallo ayaa ka dhawaajiyay arin ka farxisay ganacsatada Soomaaliyeed waxaana uu daaha ka qaaday in dhibaatada ganacsatada ay ka cabanayaan ee la xariirta adeega korontada, mardhow laga faa’iideysan doonno tamarta laga helo ilayska Cadceedda oo laga maarmo dhaqaalaha badan ee ku baxaya matoorka lagu shubayo shidaalka.

Muqdisho 20ka Janaayo 2025 Dowladda Federaalka oo dhawaan ka soo baxday dagaal diblomaasiyadeed oo ay kula jirtay Itoobiya, ayaa hadda u muuqata in dagaal kale oo diblomaasiyadeed ay la galeyso dowladda Kenya.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ee Soomaaliya Axmed Madoobe oo dowladda federaalka ku cunaqabateysay Kismaayo ayaa shalay u safray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Inkastoo safarka Axmed Madoobe uusan kala cadeyn in dowladda federaalka ay ogolaatay iyo in lagu xad-gudbay madax-banaanida Soomaaliya, hadana waxaa la werinayaa in safarkaas abuuray xiisad diblomaasiyadeed.

Ilo wareedyo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa maanta Caasimada Online u sheegay in warqad loo gudbiyay Safiirka Kenya u jooga Muqdisho, taas oo looga dalbaday in muddo kooban uu ku soo bandhigo jawaab ku saabsan “Tallaabadii sharci darada aheyd ee diyaarad laga leeyahay Kenya ay ugu soo xadgudubtay hawada Soomaaliya, iyadoo dansatay raadaarka oo ay ku qaaday shaqsi eedeysane ah oo Maxkamad ay dacwad ku soo oogtay,” Sida lagu yiri warqada ay qortay Soomaaliya.

Waxaa jira warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay u yeeratay Safiirka u jooga Nairobi Danjire Ibraahim Cabdulle, balse Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo qoraal soo saartay ayaa beenisay in Muqdisho u yeeratay Safiirkeedii Nairobi.

“Warka la wareejinayo baraha bulshada ee ku saabsan in aan ugu yeerannay Safiirkeena noo qaabilsan Kenya inuu yimaado Caasimadda Muqdisho waa war aan sal iyo raad toona lahayn oo been abuur ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, balse ilo wareedyo muhiim ah ayaa maanta soo dusiyey warkaan.

Axmed Madoobe oo ah ninka Madaxiisa ay iskula dhacayaan dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa Kismaayo ku go’doonsanaa tan iyo markii uu ka baxay shirka golaha wadatashiga qaran ee dagaalka siyaasadeed iyo midka tooska ah uu la galay dowladda federaalka Soomaaliya.

Hadda wuxuu kulamo xasaasi ah ka wadaa Nairobi oo taageerayaal badan ay u joogaan, waxayna talo ku ciirsan tahay dowladda federaalka Soomaaliya oo qorsheyneysa in dagaal diblomaasiyadeed ay ku qaado Kenya oo u bareertay inay ku xad-gudubto madax-banaanida Soomaaliya.

Muqdisho 20ka Janaayo 2025  Cabdullahi Cabdi Sheekh madaxii hore ee Idaacadda BBC Somali oo hadda ah falanqeeye siyaasadeed ayaa sheegay in safarka Axmed Madoobe uu ku tegay Nairobi uu yahay duulaan ka dhan ah jiritaanka iyo madax-banaanida Soomaaliya, xitaa hadii ay wax ka ogtahay dowladda Soomaaliya, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Falanqeeye Cabdullahi Sheekh oo wareysigaan siiyey TV-ga Universal ayaa sheegay in tani ay tahay guul-darradii 3-aad ee dowladda federaalka ka soo wajahday dagaalka ay la gashay Axmed Madoobe, taasi oo dhaawaceysa jiritaanka qaranimada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in dowladda federaalka ay ku fashilantay ilaalinta wadajirka umadda Soomaaliyeed “Guul darradu waxay ka soo bilaabatay Raaskambooni, waxaa xigtay tii Doolow, hadana waa tan Axmed Madoobe dowlad kale ay ka soo qaaday dalkii, dowladda federaalkana ay ku fashilantay inay ka hortagto,” ayuu yiri.

Sidoo kale Cabdullahi ayaa sheegay in dowladda federaalka ay xaq u laheed inay ciidan geyso magaalooyinka uu Axmed Madoobe kula dagaalay ee Raaskambooni iyo Doolow, si xuduudaha dalka ay u ilaaliyaan, balse taas ay ku fashilantay.

“Talaabada ugu horeysa ee dowladda Soomaaliya ay qaadi karto waa in safiirka loo yeero oo faahfaahin la codsado sida ay wax u jiraan, kadibna la isla eego waxa ka dhalanaaya hadii falkaas ku dhacay si tuugnimo ah, hadii dhacdo loo bareeray ay tahana waa in dowladda Soomaaliya ay ka fekerto madax-banaanida dalka,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cabdullaahi Cabdi Sheekh.

Sidoo kale wuxuu sheegay in diyaaradda qaaday Axmed Madoobe ay demisay Raadeerka, isla markaana ay qarisay lambarkeeda duulimaadka, iyadoo Kismaayo ka degtay waqti hore oo salaadii subax ah.

“Wax kasta waxay ku kala cadaa doonaan warqadda faahfaahin ee dowladda Soomaaliya ay ka codsatay Kenya, laakiin cidda geysataba waa duulaan lagu soo qaaday madax-banaanida Soomaaliya, waana arrin halisteeda leh,” ayuu yiri Cabdullaahi Cabdi Sheekh.

Sidoo kale, wuxuu falanqeynta arrintaan ka fiiriyey dhanka qalbiyada shacabka Soomaaliyeed, “Indhaha shacabka Soomaaliyeed waxay arkayaan dowladooda oo ku fashilantay ilaalinta qaranimada iyo madax-banaanida dalka,” ayuu yiri.

Falanqeeye Siyaasadeed Cabdullahi wuxuu sheegay in qaladkaan diblomaasiyadeed uu marqaati u yahay doodda Al-Shabaab ee ah in cid kasta oo shisheeye ah aysan Soomaaliya u joogin taageerada dowladnimada Soomaaliya ee danahooda gaarka ah ay ka wataan dalka.

Kenya Iyo Ethiopia 20ka Janaayo 2025 Dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku guuldarraysatay inay dhaqangeliso xayiraad dhanka cirka ah oo ay saartay maamulka Jubaland, iyadoo maalmihii u dambeeyay ay garoonka diyaaradaha ee magaalada dekedda ah ee Kismaayo ka dageen duulimaadyo badan oo aan fasax loo haysan, sida ay sheegeen ilo-wareedyo.

Jebinta muuqata ee xakamaynta hawada ayaa hoosta ka xariiqaysa caqabadaha joogtada ah ee Muqdisho ay kala kulmayso ku dabaqidda awoodeedda ee maamul goboleedyada dalka, gaar ahaan xaaladda siyaasadeed ee kacsan ee Jubbaland.

Isku dayga xayiraadda dhanka cirka ah, oo loogu dan lahaa in lagu cadaadiyo hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa hadda si rasmi ah u fashilmay. Ilaa Sabtidii, ugu yaraan laba diyaaradood ayaa ka degay Kismaayo, oo ah caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Jubbaland.

Mid ka mid ah diyaaradaha, oo la sheegay inuu kiraystay Madoobe, ayaa u qaaday Nairobi, Kenya, si uu kulammo ula yeesho wakiillo caalami ah iyo hay’ado horumarineed.

Arrintan ayaa dhalisay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ay u yeertay safiirka Kenya Sabtidii si ay wax uga weydiiso duulimaadka.

Diyaaradda kale ayaa timid Kismaayo galabnimadii Jimcaha, iyadoo u daabushay wasiirro ka tirsan Jubbaland magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ka dibna waxay odayaal ka soo qaadday Addis Ababa una daabushay Doolow, oo ah magaalo ku taal gobolka Gedo ee Jubbaland.

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale xayiraad duulimaad oo ka dhan ah Jubaland isku dayday xilligii maamulkii hore ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed, oo loo yaqaan “Farmaajo”.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo fadhigeedu yahay Muqdisho, ayaa gacanta ku haysa hawada Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, duulimaadyada aan la fasixin waxay muujinayaan xadka dhabta ah awooddaas, gaar ahaan gobollada ay ka jiraan maamullo maxalli ah oo xooggan sida Jubaland.

Ma jiro wax war ah oo degdeg ah oo laga heli karo Dowladda Federaalka Soomaaliya ama maamulka Jubbaland.

SSC Khaatumo Iyu Somaliland 20ka Janaayo 2025 Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo mar kale ka dhex-qarxay ciidamada Somaliland iyo SSC-Khaatumo ee ku sugan gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya, halkaas oo ay isku horfadhiyeen labada ciidan.

Dagaalka oo dhacay gelinkii dambe ee Axaddii ayaa ka qarxay deegaanka Guumeys ee gobolka Sool, waxaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo kala gaaray labada dhinac, balse ma cadda tiro ahaan inta uu gaarsiisan yahay.

Xaaladda ayaa weli kacsan, iyada oo labada maamul ay saaka dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ay ka wadaan aagga deegaanka guumeys oo ah halka uu dagaalka ka dhacay.

Dadka ayaa dhankooda cabsi ka muujinayo in dagaalka uu sii laba qarxo, kuna fido deegaanno horleh oo ka tirsan gobolka Sool.

Dhowaan ciidamo kala taabacsan Somaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa ku dagaalamay gudaha magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, halkaas oo ay weli ay ka taagan tahay xiisad culus, waxaana haatan furin kale ay kasoo baxday aaga gobolka Sool.

SSC ayaa haatan dadaal xoogleh ku bixineyso, sidii ay u qabsan lahayd deegaannada ay sheegtay inay ka maqan yihiin oo ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada Somaliland.

WARARKA MAANTA 19ka Janaayo 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa kiraystay Madaxtooyadda #Somalia “#VillSomalia”? Maxay beesha caalamka ugu baaqday inuu iscasilo Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Maxuuse Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre u kashifay sirta uu qarinaayo Madaxweyne Xassan Shiikh Iyo fashilka siyaasadda dalka> Maxay ahayd sababta uu u diiday  Madaxweyne Xassan “Dhuuso-Fooxiye” inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah, #Maqaamka #Muqdihso Iyo Guddiyadda kala duwan ee hawlaha dowlliga qaabilsan? Maxuuse  Madaxweyne Xassan “Dhuuso-Fooxiye” uu bbobay hantidii dadweynaha? Maxayse beesha caalamka u diiday inay wax dhaqaallo siiso  Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa diidan inay Soomaaliya xor ahaato  Madaxweyne Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Maxay mucaaradka #Soomaaliya uga nixiyeen  Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa raba maanta inuu  Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye” ka soo baxo Madaxtooyada oo uu fashil iyo tuuganimo qaaday? Ma waxay siyaasaddii iyo aqoontii  Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye” ku soo dhammaatay caruurtayda ama ilmahayga wax baan ku baray hantidii dadweynaha? 

Ha Wiqleyso!

Muqdisho 19ka Janaayo 2025

Muqdisho Iyo Puntland 19ka Janaayo 2025 – Xiisadda u dhexeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedka Puntland ayaa haatan yeelatay weji cusub, kadib tallaabo horleh oo ay qaaday dowladda dhexe, taas oo la xiriirta maamulka fadhigiisu yahay Garoowe.

Arrinta cusub ee soo korortay ayaa la xiriirta gargaar ay Hay’adda SoDMA u dirtay Puntland, kaas oo loogu talagalay illaa saddex kun oo qoys oo ku dhaqan maamulkaasi.

“Gargaar bani’aadannimo oo loogu tala-galay in la gaarsiiyo Saddex kun (3,000) oo qoys oo ay saamaayeen abaaraha iyo calaadaha ayaan maanta u dirnay degaanno ka tirsan maamulka Puntland” ayuu yiri guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in gargaaran ay ku wareejiyeen mid kamid ah xildhibaannada baarlamaanka ee kasoo jeedo Puntland, si loo gaarsiiyo shacabkii loogu talagalay.

“Gargaargaan oo dhulka mari doona ayaan ku wareejiyay Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Jigaato) oo laga soo doorto Puntland” ayuu mar kale yiri.

Dhanka kale Puntland oo si dhaqsi leh uga soo jawaabtay arrintan ayaa ka hortimid tallaabada ay qaaday Hay’adda SoDMA ee dowladda Soomaaliya.

Wasiirka gagaarka Puntland Marwo Ubax Cabdirashiid ayaa shaaca ka qaaday in aan deegaanada Puntland la keeni karin wax gargaar ah haddii aan lasoo marsiin maamulkooda, waxayna sheegtay in xuduudahooda aanu soo gaari gaari karin gargaarkaasi.

”Gargaar aan la soo marin Puntland kama soo degi karo xuduudkeeda, bada iyo hawada Puntlnad” ayay ku jawaabtay Wasiir Ubax Cabdirashiid.

Puntland iyo dowladda dhexe ayaa horay isugu hayay arrimaha siyaasadda, haddase wuxuu khilaafkooda galay dhinaca bani’aadanimada oo horay looga digay in la siyaasadeeyo.

Maraykanka 19ka Janaayo 2025 Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa lagu qasbay inuu aqbalo heshiiska xabad-joojinta Gaza ee lala galay ururka Xamaas kadib cadaadis ka yimid koox uu soo magacaabay madaxweynaha maanta xilka la wareegaya ee Maraykanka, sida ay sheegayaan warbixinno.

Ergeyga Bariga Dhexe ee Trumo, Steve Witkoff, ayaa kulamo “xiisad leh” la qaatay Netanyahu gudaha Israa’iil ka dib markii uu ka qeyb galay wadahadallo xabbad joojin ah oo ka dhacay Doha, sida ay sheegayaan warar xog ogaal ah, waxaana kulamadaasi ay fure u ahaayeen horumarka dhowaan laga gaaray heshiiska laga wada-hadlayey muddo 15 bilood ah.

Witkoff iyo kooxdiisu wax badan ayay ku “qanciyeen” Netanyahu inuu aqbalo heshiiska, marka loo eego maamulka Joe Biden ee baxaya intii lagu jiray 15-kii bilood ee la soo dhaafay, sida ay sheegeen saraakiil Carab ah.

“Heshiis waxaa la gaari lahaa waqti hore, laakiin labada dhinacba waxay horseedeen in wadahadalladu burburaan waqtiyo kala duwan,” ayuu sarkaal Carbeed u sheegay wargeyska The Times of Israel.

Madaxweynaha cusub ee Maraykanka ayaa la sheegay inuu doonayey xabad-joojin ka dhaqangasha Gaza ka hor caleema-saarkiisa ee maanta oo ah 20-ka Janaayo, wuxuuna u diray Witkoff Qadar iyo Israa’iil si uu ugu cadaadiyo Netanyahu inuu aqbalo tanaasulaadka loo baahan yahay si heshiis loola gaaro Xamaas.

Israa’iil ayaa marar badan hor istaagtay heshiisyo xabbad joojin ah oo hore iyadoo dalbatay shuruudo aan macquul ahayn. Saraakiisha Carabta ayaa diiday eedeyntii soo noqnoqotay ee Washington ee ahayd in Xamaas ay mas’uul ka ahayd guuldarada heshiis xabbad joojin ah oo hore, iyagoo sheegay in eedda ay dusha ka saaran tahay Israa’iil.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan kulanka Witkoff iyo Netanyahu ayaa muujinaya hab dhaqan adag oo saraakiisha Trump ay ula dhaqmayaan hogaamiyaha Israa’iil marka loo eego maamulka Biden, inkastoo la sheegay in ra’iisul wasaaraha la siiyay dhowr waxyaabood oo dhiirigelin ah si loo macaaneyo heshiiska, oo ay ku jirto ballaarinta deegaameynta Daanta Galbeed ee la haysto.

Netanyahu ayaa la sheegay inuu isku dayay inuu diido kulanka isagoo ku andacoonaya inay ahayd maalin Sabti ah, marmarsiiyadaas uu Witkoff si degdeg ah u beeniyay, isagoo tilmaamay inuu haysto xubno Yuhuud ah oo kooxdiisa ka mid ah oo diyaar u ah inay shaqeeyaan maalinta nasashada Israel.

“Witkoff ma ahan diblomaasi. Uma hadlo sida diblomaasi, dan kama lahan anshaxa diblomaasiyadeed iyo hab-maamuuska diblomaasiyadeed,” ayuu qof xog-ogaal ahi u sheegay wargeyska Haaretz.

“Waa ganacsade doonaya inuu si degdeg ah heshiis u gaaro, si aan caadi ahayn ayuuna hore ugu socdaa.”

Inkastoo Trump loo arko inuu yahay madaxweynihii “ugu taageerada badnaa Israa’iil” taariikhda Maraykanka, haddana xiriir xun ayuu la leeyahay Netanyahu, gaar ahaan ka dib markii Israa’iil ay aqoonsatay guushii doorashada Joe Biden ee 2020-kii.

Galkacyo  19ka Janaayo 2025 Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed xalay ka dhacay gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kaas oo u dhexeeyay maleeshiyaad ku wada sugan magaaladaasi.

Dagaalka ayaa lasoo wariyay inuu si gaar ah uga dhacay xaafadda Garsoor, waxaana uu daba socday colaadda indhowaanahaan ka taagnayd galbeedka gobolka Mudug

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka uu sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, iyada oo sidoo kale habeenimo ay barakac sameeyeen dadka deegaanka.

Is-raaseynta oo muddo socotay kadib ayaa waxaa ku baxay ciidamada ammaanka ee maamullada Galmudug iyo Puntland oo kala dhex-galay maleeshiyaadka labada beelood, waxayna ku guuleysteen inay joojiyaan dagaalka, ayna damiyaan xiisadda.

Sidoo kale waxaa haatan waxgaradka deegaanka oo baaq deg-deg ah kasoo saaray colaaddan ayaa dalbaday in dagaalka la joojiyo wax welibana lagu dhameeyo wada-hadal.

Odayaasha dhaqanka ayaa sidoo kale waxa ku taliyeen in shuruud la’aan lagu aqbalo go’aannada nabadeed ee la gaaro, si meesha looga saaro xiisaXaaladda magaalada Gaalkacyo ayaa weli kacsan, waxaana lag dareemayaa saameynta dagaalkii xalay ka dhacay gudaha magaaladaasi oo xarun u ah gobolka Mudug.dda taagan.

Jubbaland 19ka Janaayo 2025Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) ayaa Sabtidii shalay ka degay magaalada Nairobi isagoo saaran diyaarad gaar ah.

Safarkan ayaa ah kii ugu horreeyay ee dibedda ah ee uu galo tan iyo markii dib loogu doortay hoggaanka Jubaland, natiijo ay diiday in ay aqoonsato dowladda federaalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Axmed uu la kulmi doono safiirrada beesha caalamka ee Kenya si ay uga wada hadlaan arrimaha siyaasadeed ee saameynaya Soomaaliya.

Ujeedada ugu weyn ee kulamadan ayaa ah khilaafka socda ee u dhexeeya Jubaland iyo dowladda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale, kulamada ayaa la filayaa in lagu soo qaado wararka ku saabsan mashaariicda horumarineed ee ka socda dowlad goboleedka Jubaland.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ka dib marka uu soo gaba-gabeeyo kulamadiisa Kenya, uu Axmed qorsheynayo inuu u safro Imaaraadka Carabta isagoo ku tegaya booqasho rasmi ah.

Xiriirka xumaaday ee u dhexeeya Jubaland iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa salka ku haya muran ka dhashay wax ka beddelka dastuurka iyo dib-u-habeynta doorashada.

Dib-u-doorashadii Axmed ayaa waxaa ka horyimid dowladda Soomaaliya, taasi oo keentay dagaalkii Raaskambooni ee u dhexeeyay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Jubaland.

Dowladda federaalka ayaa ku baaqeysay in la hirgeliyo nidaam doorasho oo mideysan oo ku saleysan hal qof, hal cod oo ka dhacda guud ahaan Soomaaliya.

Hase yeeshee, Jubaland iyo Puntland oo ah maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa diiday soo jeedintan sababo la xiriira walaac amni iyo caqabado dhanka saadka ah.

Khilaafyadan ayaa abuuray xiisado aad u daran, iyadoo dowladda federaalka ay soo saartay amar lagu soo xirayo Axmed kadib dib-u-doorashadiisii sanadkii hore, taasoo aan raacin hannaanka doorashada hal qof, hal cod.

Guushiisa sidoo kale ma aysan aqoonsan dowladda federaalka ee Muqdisho.

Safarka dibedda ee Axmed ayaa loo arkaa isku day lagu raadinayo taageero uga timaada daneeyayaasha dibadda iyadoo ay jirto caqabadaha gudaha ka jira.

Wadahadalladiisa Kenya iyo Imaaraadka Carabta ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro sidii xal loogu heli lahaa khilaafka socda iyo horumarinta Jubaland.

Natiijooyinka ka soo baxa wada-hadallada Axmed la yeelanayo daneeyayaasha caalamka ayaa si dhow loola socon doonaa awoodda ay u leeyihiin in ay xalliyaan is-mari-waaga siyaasadeed ee taagan.

Muqdisho 19ka Janaayo 2025 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay u yeertay safiirka Kenya ee Muqdisho kadib markii madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) uu ka degay magaalada Nairobi isagoo saaran diyaarad gaar ah. 

Sida aan xog ku helnay, dowladda ayaa safiirka u gudbisay warqad cabasho ah oo ku saabsan safarka Axmed Madoobe, oo ay aad uga carootay. 

Ilo ku dhow dhow Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegaya in Warqad loo gudbiyay Safiirka looga dalbaday inuu muddo kooban jawaab ku soo bandhigo oo ku saabsan “Tallaabadii sharci darada aheyd ee diyaarad laga leeyahay Kenya ay ugu soo xadgudubtay hawada Soomaaliya, iyadoo dansatay raadaarka oo ay ku qaaday shaqsi eedeysane ah oo maxkamad ay dacwad ku soo oogtay,” sida lagu yiri warqada cabashad ah.

Safarkan ayaa ah kii ugu horreeyay ee dibedda ah ee uu galo tan iyo markii dib loogu doortay hoggaanka Jubaland, natiijadaas ay diiday in ay aqoonsato dowladda federaalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in haddii aanay Kenya jawaab lagu qanco bixin ay horseedi doonto in mar kale uu xumaado xiriirka Nairobi iyo Muqdisho, ayada oo dowladda federaalka ay qaadi doonto tallaabooyin jawaab ah.

Dhinaca kale, xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Axmed Madoobe uu la kulmi doono safiirrada beesha caalamka ee Kenya si ay uga wada hadlaan arrimaha siyaasadeed ee saameynaya Soomaaliya.

Ujeedada ugu weyn ee kulamadan ayaa ah khilaafka socda ee u dhexeeya Jubaland iyo dowladda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale, kulamada ayaa la filayaa in lagu soo qaado wararka ku saabsan mashaariicda horumarineed ee ka socda dowlad goboleedka Jubaland.

Xogta aan helnaya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ka dib marka uu soo gaba-gabeeyo kulamadiisa Kenya, uu Axmed qorsheynayo inuu u safro Imaaraadka Carabta isagoo ku tegaya booqasho rasmi ah.

Safarka dibedda ee Axmed ayaa loo arkaa isku day lagu raadinayo taageero uga timaada daneeyayaasha dibadda iyadoo ay jirto caqabadaha gudaha ka jira.

Wadahadalladiisa Kenya iyo Imaaraadka Carabta ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro sidii xal loogu heli lahaa khilaafka socda iyo horumarinta Jubaland.

Xiriirka xumaaday ee u dhexeeya Jubaland iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa salka ku haya muran ka dhashay wax ka beddelka dastuurka iyo dib-u-habeynta doorashada.

Dib-u-doorashadii Axmed ayaa waxaa ka horyimid dowladda Soomaaliya, taasi oo keentay dagaalkii Raaskambooni ee u dhexeeyay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Jubaland.

WARARKA MAANTA 18ka Janaayo 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxay beesha caalamka ugu baaqday inuu iscasilo Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Maxuuse Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre u kashifay sirta uu qarinaayo Madaxweyne Xassan Shiikh Iyo fashilka siyaasadda dalka> Maxay ahayd sababta uu u diiday  Madaxweyne Xassan “Dhuuso-Fooxiye” inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah, #Maqaamka #Muqdihso Iyo Guddiyadda kala duwan ee hawlaha dowlliga qaabilsan? Maxuuse  Madaxweyne Xassan “Dhuuso-Fooxiye” uu bbobay hantidii dadweynaha? Maxayse beesha caalamka u diiday inay wax dhaqaallo siiso  Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa diidan inay Soomaaliya xor ahaato  Madaxweyne Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Maxay mucaaradka #Soomaaliya uga nixiyeen  Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa raba maanta inuu  Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye” ka soo baxo Madaxtooyada oo uu fashil iyo tuuganimo qaaday? Ma waxay siyaasaddii iyo aqoontii  Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye” ku soo dhammaatay caruurtayda ama ilmahayga wax baan ku baray hantidii dadweynaha? 

Ha Wiqleyso!

Muqdisho 18ka Janaayo 2025 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan wada diyaar garowgii ugu dambeeyay ee soo dhaweynta Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan oo dhowaan kusoo wajahan caasimada, waxaana socda qaban-qaabo xooggan.

Wararka ayaa sheegaya in wafdi hordhac u ah Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu haatan imaanayo gudaha Soomaaliya, kaas oo gogol xaar u noqonayo soo dhaweynta Madaxweynahooda iyo xubnaha kale ee safarka ku wehlinaya, iyaga la shaqeyn doono guddiga ay dowladda federaalka Soomaaliya u diyaarisay soo dhaweynta.

Sidoo kale wafdiga Turkiga ayaa kulamo hordhac ah la qaadan doono madaxda sare ee dowladda federaalka iyo howlwadeennada ku sugan safaaradda Turkiga ee Soomaaliya.

Goobaha loogu talagalay in uu tago Madaxweynaha Turkiga waxaa iyaguna ku socda diyaarin xooggan sida in lagu sii dhejiyo Calanka Dalkaas, Sawirka Madaxweyne Erdogan iyo waxyaabaha kale ee lagu muujinayo soo dhaweyntiisa.

Sida qorshuhu yahay inta uu Recep Tayyip Erdogan ku sugan yahay Muqdisho waxa uu la kulmi doonnaa dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka wada-hadli doonaan arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiriirka labada dal heshiiskii Itoobiya ee ka dhacay Anakara.

Dhanka kale,  Recep Tayyip Erdogan ayaa marka uu safar ku yimaado magaalada caasimada ah ee Muqdisho sidoo kale sii mari doonna magaalada Addis Ababa ee Itoobiya sida uu ku sheegay qoraal uu kol hore soo geliyay Bartiisa X ee horay loo oran jiray Twitter.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir soo jireen ah iyo saaxibtinimo, iyada oo haatan Ankara ay Muqdisho ka taageerto dhinacyo muhiim ah, sida bani’aadanimada iyo milatariga, gaar ahaan dib u dhiska ciidamada Xoogga dalka iyo qalabeyntooda,.

Si kastaba, Erdogan ayaa safarkiisii ugu horreeyay Soomaaliya ku yimid bishii August ee sanadkii 2011-kii isaga oo ahaa ra’iisul wasaaraha Turkiga, xiligaas oo xaalad adag oo dhanka abaaraha ah ay ka jirtay dalka, Muqdishana ay ku sugaayeen baracakayaal badan.

Muqdisho 18ka Janaayo 2025 Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Xasan Macallin ayaa dagaal afka ah ku qaaday Mucaaradka Dowladda kasoo horjeeda waxaana uu ku tilmaamay kuwa jidgooyo u dhiganaya shuruuc ay soo meel mariyeen Xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirka waxa uu si cad u sheegay in aysan jirin cid ama ciidan awood u leh in ay hor istaagto hannaanka dimoqraadiyadda ee lagu soo dooranayo wakiillada iyo qabashada doorashada Qofka iyo Codka.

Waxa uuna hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo jawi doorasho oo xor iyo xalaal ah, isaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay Dowladda Soomaaliya in dhammaan muwaadiniinta ay helaan fursad ay uga qaybqaataan hannaanka doorashada iyada oo aan la faragelin ama aysan jirin wax caga-juglayn.

Wasiir Xasan Macallin waxa uu shaaca ka qaaday in fikirkaan aan la is hortaagi karin maadama uu yimid waqtigii ku haboonaa.

Dowladda iyo Mucaaradka ayaa maalmihii lasoo dhaafay dhaliilo kulkulul iskugu jeedinayay dhanka Warbaahinta kuwaa oo dhamaan kuqotamay arrimaha doorashada.

Pakistan 18ka Janaayo 2025 Maxkamad ku taal Pakistan ayaa Jimcaha maanta ah ku heshay ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan iyo xaaskiisa Bushra Bibi kiis musuq-maasuq oo taariikhi ah, waxayna Khan ku xukuntay 14 sano oo xarig ah.

Khan ayaa xabsiga lagu hayay tan iyo bishii Agoosto 2023, waxaana lagu eedeeyay ku dhawaad 200 oo kiis balse xisbigiisa ayaa ku andacoonaya in xukunkii ugu dambeeyay loo adeegsaday in lagu cadaadiyo inuu ka baxo siyaasada.

“Ma samayn doono wax heshiis ah mana raadin doono wax gargaar ah,” Khan ayaa u sheegay suxufiyiinta isaga oo ku sugan gudaha qolka maxkamadda ka dib markii lagu xukumay.

Maxkamadda la-dagaalanka musuq-maasuqa ayaa isugu timid xabsiga uu Khan ku xiran yahay ee ku dhow caasimadda Islamabad, waxaana ay ku xukuntay lamaanahan dambiyo lagu soo oogay oo xiriir la leh hay’ad samafal oo ay si wadajir ah u aas-aaseen oo lagu magacaabo Al-Qadir Trust.

“Xeer ilaalinta ayaa cadeysay kiiskeeda, Khan waa la xukumay,” ayuu yiri garsoore Nasir Javed Rana, isagoo ku dhawaaqay 14 sano oo xariga Khan ah iyo toddobo sano oo Bushra Bibi ah.

Bushra Bibi, oo dhawaan dammaanad lagu sii daayay, ayaa lagu xiray maxkamadda xukunka kadib, sida ay sheegtay afhayeenkeeda Mashal Yousafzai.

Xisbiga Khan ee Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI) ayaa sheegay inay ka doodi doonaan xukunka.

Xukunkan ayaa imanaya maalin kadib kulan naadir ah oo dhex maray madaxda PTI iyo dowladda kaas oo looga gol lahaa in lagu qaboojiyo xiisadaha siyaasadeed.

Khan ayaa ku adkeysanaya in dhammaan kiisaska ka dhanka ah ay yihiin kuwo siyaasadeysan oo loogu talo-galay in looga ilaaliyo inuu ku soo laabto xukunka.

Afar jeer ayaa horay loo xukumay tan iyo markii la xiray, labo ka mid ah waa la laalay, halka xukunkii labada kiis ee kale la hakiyey.

Laakin waxa uu xabsiga ugu sii jiray dacwadda Al-Qadir Trust oo ah kii ugu dheeraa ee isaga lagu soo oogo iyo eedeymo kale oo la xiriira kicin dadweyne.

Go’aanka maxkamadda ayaa saddex jeer dib loo dhigay, iyadoo falanqeeyayaasha ay sheegeen in uu si hoose u socday wada-xaajood.

Horaantii bishan, Khan ayaa ku sheegay hadal ay kooxdiisu soo dhigtay baraha bulshada in si dadban loo gala soo xiriiray suurta-galnimada in xabsi guri lagu guliyo gurigiisa oo ku yaalla duleedka caasimadda.

Hase yeeshee 72-jirkan ayaa weli dhiifanaan muujinayey, isaga oo baahiyey hadallo ka dhan ah dowladda, wuxuuna ballan qaaday in uu dagaalladiisa ka wadi doono maxkamadaha.

Caannimada Khan ayaa sii wadday inay wiiqdo dawladda wadaaga ah ee jilicsan, taasoo PTI ka ilaalisay awoodda, doorashooyinkii sannadkii hore.

Tan iyo markii laga tuuray xukunka 2022, xiddigii hore ee cricket-ka ayaa billaabay olole aan horay loo arag oo uu si cad ugu dhaleeceeyay Jeneraalada awoodda badan ee dalkaasi.

Guddi khubaro ah oo ka socda Qaramada Midoobay ayaa sannadkii hore ogaaday in xariga Khan “uusan lahayn wax sharci ah, uuna u muuqda mid la doonayey in looga saaro inuu u tartamo jago siyaasadeed”.

Khan ayaa laga mamnuucay inuu istaago doorashadii bishii Febraayo, waxaana xisbigiisa PTI dhaawac u geystay olole baahsan oo dowladda ay ku beegsatay.

PTI ayaa ku guulaysatay kuraas ka badan xisbiyada kale doorashada, laakiin isbahaysiga xisbiyada oo loo arko in ay u nugul yihiin saameynta milatariga ayaa ka hor-istaagay xukunka.

Muqdisho 18ka Janaayo 2025 Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay arrinta hub ka dhigista mucaaradka ee guuxa badan uu ka taagan yahay iyo sida loo qaban karo doorasho qof iyo cod ah.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in madaxda qaranka ay magaalada ku dhex wataan Dhashiikayaal iyo weliba AMISOM, taasi oo aan suurtagelineyn in mucaaradka gaar loo beegsado.

Sidoo kalel Sheekh Shariif ayaa cadeeyey in doorasho qof iyo cod ah aysan diidaneyn, balse ay doonayaan in la qabto doorasho la iska ogolyahay oo heshiis lagu yahay.

Wuxuu tusaale u soo qaatay shacabka Muqdisho oo 3 Milyan uu ku qiyaasay, kuwaas oo aan diiwaan-gashaneyn, dowladana aysan hadda u qorsheysneyn inay diiwaan geliso, si xiliga doorashada ay u codeeyaan.

“Hadii qof iyo cod la’aadayo sabab aan ku diideyno ma jirto, laakiin Muqdisho waxaa joogta 3 Milyan oo qof, intaas kaliya xitaa uma diiwaan gashana guddiga been-beenta ah ee xukuumaddu sameysatay,” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale Shariif ayaa sheegay in labo dowlad goboleed ay maqan yihiin, la’aantoodna aan doorasho laga qaba karin dalka, maqnaashaha Puntland iyo Jubbaland ayaa saldhig u ah dooda mucaaradka.

Maxkamad ku taal Pakistan ayaa Jimcaha maanta ah ku heshay ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan iyo xaaskiisa Bushra Bibi kiis musuq-maasuq oo taariikhi ah, waxayna Khan ku xukuntay 14 sano oo xarig ah.

Khan ayaa xabsiga lagu hayay tan iyo bishii Agoosto 2023, waxaana lagu eedeeyay ku dhawaad 200 oo kiis balse xisbigiisa ayaa ku andacoonaya in xukunkii ugu dambeeyay loo adeegsaday in lagu cadaadiyo inuu ka baxo siyaasada.

“Ma samayn doono wax heshiis ah mana raadin doono wax gargaar ah,” Khan ayaa u sheegay suxufiyiinta isaga oo ku sugan gudaha qolka maxkamadda ka dib markii lagu xukumay.

Mataykand 8ka Janaayo 2025 Sarkaal hore oo ka tirsanaa CIA ayaa qirtay Jimcihii inuu dusiyey dukumiintiyo sir ah oo ku saabsan qorshayaasha milatari ee Israa’iil ee weerar aargoosi ah oo ka dhan ah Iiraan.

Asif Rahman, oo 34 jir, oo u shaqeynayay Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA tan iyo 2016, haystayna oggolaansho sir ah oo heer sare ah, ayaa waxaa xiray FBI-da bishii November isagoo jooga Cambodia.

Rahman ayaa wajihi doona ilaa 20 sano oo xabsi ah ka dib markii uu ku qirtay maxkamad federaal ah oo ku taal Virginia laba dacwadood oo ah inuu si ula kac ah u hayay una gudbiyay macluumaad ku saabsan difaaca qaranka.

Iiraan ayaa 1-dii Oktoobar ku ridday Israa’iil ku dhawaad 200 oo gantaalaha ballistic-ga ah, taasi oo ay uga jawaabaysay dilal loo geystay saraakiil sare oo ka tirsan kooxaha Xamaas iyo Xizbullah oo ay taageerto Tehran. Israa’iil ayaa dabadeedna weeraro ku qaadday bartilmaameedyo milatari oo ku yaalla Iiraan dabayaaqadii October.

Sida ku cad dacwad maxkamadeed, Rahman, 17-kii Oktoobar, wuxuu daabacay laba dukumiinti oo sir ah “oo ku saabsan xulufo shisheeye oo ay leedahay Mareykanka iyo tallaabooyinkeeda milatari ee qorshaysan ee ka dhanka ah cadow shisheeye.”

Wuxuu sawiray dukumiintiyada wuxuuna adeegsaday barnaamij Computer si uu wax uga beddelo sawirrada “isagoo isku dayaya inuu qariyo halka ay ka yimaadeen uuna tirtiro hawshiisa,” ayaa lagu yiri dacwadda.

Rahman ayaa markaas dukumiintiyada u gudbiyay “dhowr qof oo uu ogaa inaysan xaq u lahayn inay helaan” ka hor inta uusan ku jeexjeexin goobta shaqada.

“Rahman wuxuu sidoo kale burburiyay aalado badan oo elektiroonig ah, oo ay ku jiraan taleefan gacmeedkiisa iyo router internet-ka ah oo uu u adeegsaday gudbinta macluumaadka sirta ah,” ayaa lagu yiri dacwadda, isagoo ku tuuray aaladihii la burburiyay qashin qubka dadweynaha.

Dokumiintiyada, oo lagu faafiyay barta Telegram-ka akoon la yiraahdo Middle East Spectator, ayaa lagu qeexay diyaargarowga Israa’iil ee weerar suurtagal ah oo ka dhan ah Iiraan laakiin lama sheegin wax bartilmaameedyo ah oo gaar ah.

Sida laga soo xigtay The Washington Post, dukumiintiyada, oo ay soo saartay Hay’adda Sirdoonka Juquraafi-Baadhista Qaranka ee Mareykanka, ayaa lagu qeexay dhoola-tus duulimaadyo iyo dhaq-dhaqaaqyada rasaasta ee ka dhacay garoon diyaaradeed oo Israa’iil leedahay, sii dayntooduna waxay keentay in saraakiisha Israa’iil ay dib u dhigaan weerarkoodii aargoosiga ahaa.

“Mudane Rahman wuxuu khiyaanay kalsoonidii dadka Mareykanka isagoo si sharci-darro ah ula wadaagay macluumaad sir ah oo ku saabsan difaaca qaranka kaas oo uu ku dhaartay inuu ilaaliyo,” ayuu yiri KXukunka ayaa loo qorsheeyay 15-ka May.

aaliyaha Xeer Ilaaliyaha Guud Matthew Olsen oo bayaan soo saaray.

Muqdisho 18ka Janaayo 2025Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si adag ugu jawaabay madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ka ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kadib markii uu ka horyimid qorshaha dowladda Soomaaliya ee ku aadan hub ka dhigista siyaasiyiinta mucaaradka

Sheekh Shariif oo ka hadlay arrinta hub ka dhigista mucaaradka ayaa sheegay in madaxda qaranka ay qudhooda magaalada ku dhex wataan Dhashiikayaal iyo weliba AMISOM, taasi oo aan suurtagelineyn in mucaaradka gaar loo beegsado.

Sidoo kale wuxuu cadeeyey in doorasho qof iyo cod ah aysan diidaneyn, balse ay doonayaan in la qabto doorasho la iska ogolyahay oo heshiis lagu yahay.

“Haddii qof iyo cod la’aadayo sabab aan ku diideyno ma jirto, laakiin Muqdisho waxaa joogta 3 Milyan oo qof, intaas kaliya xitaa uma diiwaan gashana guddiga been-beenta ah ee xukuumaddu sameysatay,” ayuu yiri Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Intaasi kadib Fiqi oo soo hadlay ayaa shaaca ka qaaday in Muqdisho ay amni buuxa tahay, sidoo kalena lala dagaalamay kooxaha Khawaarijta, isaga oo dhinaca kale waxa lala yaabo ku tilmaamay hadallada diidmada ah ee kasoo yeeraya hoggaayeyaasha mucaaradka.

“Caasimadda Muqdisho iyo umadda ku dhaqanba waxay dareemayaan nabadgalyo iyo dibudhis ballaaran, waxaana sabab u ah Khawaarijta oo lala dagaalamay iyo hubkii sharcidarrada ahaa oo la xakameeyey! La yaab weyn ayay nooqnaysaa haddii siyaasiyiintii qaarkood ay afkii hogaamiye kooxeedyada oo kale ku hadlaan ayagoo sii raba in hubka sharcidarrada ah ee umadda lagu dhibaateeyo inuu sidiisii sii ahaado, qiilna u raadinaya arrintaas” ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya.

Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale intaasi ku daray in aan la aqbali doonin in Muqdisho lagu sii dhex haysto hub sharci darro ah, isla markaana ay dowladdu aruurin doonto.

“Doorasho iyo dastuur ayaan ku ogeyn maalmahaanka hadalkooda, haddana ma hubkii sharcidarrada ahaabaa! Tani mid soconaysa ma ahan oo dawladda iyo dadkuba ay yeelayaan.! Waa Laga nastey hubkii, dadku horumar iyo dawladnimo ayay rabaan” ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli dowladda dhexe iyo xubnaha mucaaradka ay isku khilaafsan yihiin hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka oo dood xoogan ay ka taagan tahay, maadaama Villa Somalia rabto qof & cod dhinacyada kalena ay diidan yihiin.

WARARKA MAANTA17ka Janaayo 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta:Y Maxay ahayd sababta uu u diiday  Madaxweyne Xassan “Dhuuso-Fooxiye” inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah, #Maqaamka #Muqdihso Iyo Guddiyadda kala duwan ee hawlaha dowlliga qaabilsan? Maxuuse  Madaxweyne Xassan “Dhuuso-Fooxiye” uu bbobay hantidii dadweynaha? Maxayse beesha caalamka u diiday inay wax dhaqaallo siiso  Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa diidan inay Soomaaliya xor ahaato  Madaxweyne Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Maxay mucaaradka #Soomaaliya uga nixiyeen  Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa raba maanta inuu  Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye” ka soo baxo Madaxtooyada oo uu fashil iyo tuuganimo qaaday? Ma waxay siyaasaddii iyo aqoontii  Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye” ku soo dhammaatay caruurtayda ama ilmahayga wax baan ku baray hantidii dadweynaha? 

Ha Wiqleyso!

Muqdisho 17ka Janaayo 2025 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in Kooxaha Argagexisada sida Al shabaab iyo Daacish ee ka dagaalamaya Soomaaliya ay dhibaato weyn ay ku yihiin amaanka, nafta iyo maalka Shadabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in meel looga soo wada jeesto sidii Kooxahaasi dalka looga ciribtiri lahaa waxaana uu yiri “Khawaarijta waa khatarta ugu weyn ee muwaadinka Soomaaliyeed amnigiisa iyo naftiisaba halista ku ah.”

“Xukuumaddu waxay baaris ku samaysay kadibna ay oggaatay in waxyaabaha waaweyn ee halista galiyey jiritaanka dalkeenna ay ka mid tahay argagixisada oo dhibaato ku ah amniga, nafta iyo maalka. Waxaa kale oo ka mid ah dhibaatooyinka jira aragtida gooni u goosatada, maadaama ay tahay mid gurracan oo halis galinaysa jiritaanka dalkeenna, iyo nugaylka dowladnimadda, waxaannu isla qaadanay in xalka laga raadiyo dadka wax-bartay oo aad qeyb ka tihiin”. Ayuu yiri Raiisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha waxa uu tilmaamay in Xukuumadiisu ay waddo qorshayaal lagu horumarinayo waxbarashada dalka, si ay ubadka Soomaaliyeed u helaan tacliin tayo sare leh.

Hadalkaan ayuu xalay ka sheegay isagoo ka qeybgalay munaasabadda qalin jabinta arday dhameysatay barnaamijka daraasaadka sare ee Jaamacadda Muqdisho, waxa uu soo hadal qaaday in ay socdaan qorsheyaal lagu tayeynayo waxbarashada sare ee dalka iyo guud ahaan hey’addaha waxbarashada heer walba, si loo helo jiil aqoon iyo xirfad sare leh oo door muhiim ah ka qaata dib-u-dhiska iyo horumarka dalka.

Puntland 17ka Janaayo 2025  Saldhigyadii kooxda Daacish ay ka saareen ciidamada Puntland ee buuraha Calmiskaad ayaa laga helay Baasaboorka nin Sacuudiyaan ah oo kamid ahaa kooxdii laga qabsaday saldhigaas maanta.

Baasaboorka waxaa saaran Fiisaha ama dal ku galka Masar iyo Itoobiya oo ah halka uu soo maray, taas oo muujinaysa in ninkan argagixisada ah uu Puntland ka soo galay dhinaca Itoobiya, labo todobaad ka hor.

Tani ayaa sii xoojineysaa warbixino horay u soo baxay oo ahaa in argagixisada ajaanibta Daacish ee ku dhuumaaleysanaya dhulka buuraleyda Puntland ay kasoo kala jeedaan dalal badan.

Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay guulo ka gaaray howlgalka ciribtirka Argagixisada, iyagoo u daatay saldhigyo ay kooxda u yaaleen agabyo kala duwan cagta la mariyay.

Ciidamada ayaa maanta soo bandhigay sawirka baasaboorka uu ka cararay ninkaas kasoo jeeda Sacuudiga ee soomaray Masar iyo Itoobiya, horay waxay u soo bandhigeen diyaaradaha wax basaasa, hub iyo meydadka xubno ajaanib ah oo lagu dilay dagaalka.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska howlgalka ciribtirka argagixisada Puntland waxaa maanta ciidamada ay la wareegeen talisyo waa waayn oo ay kooxda ku lahayd buuraha hoostooda, sidoo kalena laga qabs“Ciidamada difaaca Puntland ayaa in ka badan 8 Talis iyo Saldhigyo ka burburiyey Argagixisada daacish, kuwaas oo ay ku lahaayeen buuraleyda Calmiskaad ee G. Bari, gaar ahaan togagga Lugele, Dhabanacado, il iyo Camayra, Hoobato, Taagtaag iyo buurta Baal-gorey” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay taliska ciidamada PMPF.aday shidaal iyo saanad kale oo muhiim ah.

Puntland 17ka Janaayo 2025 Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir mar kale weeraray afka ah ku qaaday dowladda federaalka, isagoo si gaar ah u dhaliilay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, wuxuuna u sheegay in kaalintiisa uu ka soo baxo ama faraha kala baxo arrimaha Puntland.

Wasiir Caydiid ayaa ka jawaabay hadalkii uu Ra’iisul Wasaare Xamse ku bogaadiyay ciidamada Puntland ee la dagaallamaya aragixisada Daacish, isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahnaa taageero militeri iyo mid dhaqaale, wax ay ka heleena aysan jirin.

“Xamse waxay aheyd inuu yiraahdo waxaan soo dirnay gaadiid dagaal, hub, dhaqaale, daawo iyo inuu fasaxo mashaariicda Puntland ka xayiran, maadaama dalku dagaal ku jiro, balse hadalkiisa waxaba ma tarayo ciidamada uu hambalyada u diray dalka iyo dadka Puntland ayaa iska leh,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid.

Wuxuu ugu baaqay madaxda Puntland in aysan marin habaabin shacabka, oo ay mashaariicda dalka ka socota qeybta ay ku leeyihiin ay u fasaxaan, maadaama dowladda federaalka ay diyaar ula tahay.

Mumbai 17ka Janaayo 2025  Xiddiga Bollywood-ka Hindiya Saif Ali Khan ayaa qalliin lagu sameeyey Khamiistii kadib markii dhowr jeer mindi lagu dhuftay, taasi oo muuqata inay ka dambeeyeen tuugo soo weeraray gurigiisa oo ku yaalla Mumba, sida ay sheegtay kooxdiisa xiriirka dadweynaha.

Khan, oo 54 jir ah, kana soo muuqday in ka badan 70 filim iyo taxaneyaal telefishin, ayaa qaba xiddigta caanka ah ee Kareena Kapoor.

“Waxaa jiray isku day dhac ah oo lagu bartilmaameedsanayey guriga mudane Saif Ali Khan,” ayay tiri kooxdiisu, iyagoo ku booriyay “taageerayaasha inay samraan”.

Kareena Kapoor ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegtay in “Saif uu dhaawac ka soo gaaray gacantiisa, kaasi oo sababay in isbitaal la dhigo”.

“Qoyska intiisa kale way fiican yihiin,” ayay raacisay.

Khan waa wiilka kabtankii hore ee kirikidhka Hindiya Mansur Ali Khan Pataudi, iyo atariishada Bollywood-ka Sharmila Tagore.

Aflaamta uu jilay waxaa ka mid ah filimkii caanka ahaa ee Dil Chahta Hai ee soo baxay 2001, iyo taxanaha dambiyada ee caanka ka ah Netflix ee Sacred Games.

Niraj Uttamani, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Isbitaalka Lilavati ee Mumbai, ayaa u sheegay wargeyska The Hindustan Times in jilaagu uu qabo lix dhaawac, oo labo ka mid ah ay qoto dheer yihiin.

Wakaaladda wararka ee Press Trust of India ayaa baahisay sawirro muujinaya booliska oo baaritaanno caafimaad ka sameynaya guriga Khan ee Mumbai.

Muqdisho 17ka Janaayo 2025 Dowladda Soomaaliya ayaa doonaysa in ay Cabdixakim Maxamed Axmed u magacawdo safiirka cusub ee u fadhiya dalka Yemen, halkaas oo uu saldhig ka dhigan doono caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Cadan.

30-kii Diseembar, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa warqad u dirtay mas’uuliyiinta Yemen oo arrintan ku saabsan, taasoo ay aragtay majaladda Africa Intelligence, waxaana ay sugayaan ansixintooda.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli Saciid Cabdullaahi Deni, madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland, uu ku dhibtoonayo sidii uu isugu keeni lahaa beelo-hoosaadyada kala duwan ee maamulkiisa si ay uga qeyb qaataan dagaalka kooxda Daacish. Deni uma badna in uu ku farxo qorshaha Muqdisho, maadaama Cabdihakim Axmed uu yahay nin ay muddo dheer xafaaltamayeen.

Safiirka cusub ee la magacaabay oo sidoo kale loo yaqaano Dhoobo-Daareed, ayaa ka soo jeeda beesha Warsangali oo ka tirsan beel-weynta Harti-Daarood, taasoo si weyn uga dhex muuqata guud ahaan waqooyiga Soomaaliya, ilaa cirifka Puntland.

Xafiiltanka labada nin ayaa soo bilowday xilligii Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo uu ahaa madaxweynaha Soomaaliya. Daareed, oo markaas ahaa guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, ayaa xilka laga qaaday sanadkii 2019-kii ka dib markii uu la shaqeeyay Muqdisho isagoo ka soo horjeeda danaha Deni, kaasoo dhowr bilood ka hor xilligaas la wareegay hoggaanka maamulka Puntland.

Tan iyo markaas, Daareed wuxuu isku dhoweynayay maamulka hadda jira iyo Ra’iisul Wasaaraha Federaalka, Xamza Cabdi Barre, isagoo ujeedkiisu yahay inuu xakameeyo saamaynta siyaasadeed ee madaxweynaha Puntland.

Haddii loo xaqiijiyo safiirka Yemen, tani waxay dhibaato ku noqon kartaa Deni, maadaama Daareed uu door muhiim ah ka ciyaari doono inuu mas’uuliyiinta Soomaaliya la socodsiiyo dariiqyada sahayda iyo isgaarsiinta ee ay isticmaalaan Xuutiyiinta iyo taageerada ay siiyaan Daacishta Soomaaliya.

Magacaabista dowladda federaalka Soomaaliya ee nin ay si aad ah isku hayaan, wuxuu sidoo kale Saciid Deni u arkaa daan-daansi iyo in ay Villa Somalia sii xoojineyso dagaalka ka dhanka ah madaxweyaha Puntland.

Kooxda Daacish, oo u muuqata inay heshay lacag adag, ayaa sidoo kale xoojisay joogitaankeeda Puntland dhawaanahan. Lixdii bilood ee la soo dhaafay, waxay wararku sheegayaan inay kordhisay mushaaraadka dagaalyahanadeeda cusub, waxayna soo iibsatay hubka fudud iyo xitaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee sahanka, kuwaasoo ay horay u isticmaali jirtay Al-Shabaab.

WARARKA MAANTA 16ka Janaayo 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta:Yaa diidan inuu khaa’inul waddan maanta ah Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso=Fooxiye”?  Maxuu labada aqal ka qarinayaa Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Maxuu khaa’inul waddan Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye” u diiday inuu sameeyo Maxkamadda Dastuuriga ah? Yaa diiday inuu sameeyo #Maqaamka #Muqdisho oo barac iyo hoog ku sameeyey shacabka reer #Muqdisho  Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa qabuuraha iyo hantida dadweynaha iibiyey  Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa qoysaskiisa u xiray inay baad iyo gunno saartaan ganacsiyo kala duwan? Yaa ilmihiisa u magacaabay jaggooyin aysan wax xaq iyo aqoon u lahayn Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa diiday inay labada aqal iyo dowladda wadashaqeeyaan Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa sidan u hadlaaya oo haddan sheegaaya fashilka dowladdiisa  Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Ha Wiqleyso!

Qadar 16ka Janaayo 2025 Ra’iisul Wasaaraha Qatar, Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani, ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in Israa’iil iyo Xamaas ay ku heshiiyeen heshiis xabad-joojin ah oo ka kooban saddex weji, kaddib 15 bilood oo colaad ah. Warkan ayuu ka sheegay magaalada Doha.

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump ayaa bartiisa bulshada ku shaaciyay: “Waxaan heshiis u helnay dadka afduubka loo haysto ee Bariga Dhexe. Dhawaan ayaa la sii deyn doonaa.”

Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa Arbacadii heshiiska la wadaagay wargeyska Middle East Eye. Qoraalka heshiiska ayaa lagu sheegay in wejiga koowaad ee xabad-joojinta uu ku lug yeelan doono is-dhaafsiga maxaabiista iyo ku soo noqoshada “xasillooni waarta”, iyadoo ujeedadu tahay in la gaaro xabad-joojin rasmi ah.

Sida ku cad heshiiska, 33 qof oo Israa’iiliyiin ah oo lagu hayo Gaza ayaa la sii deyn doonaa qayb ka mid ah wejiga koowaad, oo ay ku jiraan sagaal qof oo xanuunsan ama dhaawac ah.

Israa’iil ayaa sii deyn doonta 1,000 Falastiiniyiin ah oo la xiray laga soo bilaabo 8 October 2023.

33-ka maxbuus ee la sii deynayo waxaa ku jiri doona dhowr nin oo da’doodu ka weyn tahay 50 sano. Waxaa lagu beddelan doonaa Falastiiniyiin xabsi daa’in ku xukuman oo hal maxbuus oo Israa’iili ah lagu beddelan doono 3 Falastiiniyiin ah, iyo Falastiiniyiin kale oo xukunno kala duwan ku xukuman oo hal maxbuus oo Israa’iili ah lagu beddelan doono 27 Falastiiniyiin ah.

Hisham al-Sayed iyo Avera Mengistu, oo lagu hayey Gaza ka hor dagaalkii Israa’iil ku qaadday Gaza, ayaa lagu beddelan doonaa 60 maxaabiis Falastiiniyiin ah iyo 47 Falastiiniyiin ah oo dib loo xiray kaddib markii lagu sii daayay 2011-kii, heshiiskii maxaabiis is-dhaafsiga ee Gilad Shalit.

Israa’iil ayaa bilaabi doonta inay ka baxdo Marinka Gaza qayb ka mid ah wejiga koowaad, iyadoo u dhaqaaqi doonta dhinaca bari ee meelaha ay dadku ku badan yihiin, oo ay ku jiraan marinka Netzarim iyo isgoyska Kuweyt.

Marinka Netzarim, oo lix kilomitir ah, oo ay Falastiiniyiintu ugu yeeraan “jidka dhimashada”, ayaa waxaa sameeyay militariga Israa’iil intii lagu jiray dagaalkan hadda socda. Wuxuu ka billowdaa xadka Israa’iil ee magaalada Gaza ilaa badda Mediterranean-ka, waxaana ciidamada Israa’iil u adeegsadeen inay ku kormeeraan, kuna xakameeyaan dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta u kala gooshaya waqooyiga iyo koonfurta Gaza.

Xagaagii, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu wuxuu ku dhawaaqay in heshiis xabbad joojin ah uusan ka mid ahayn in Israa’iil ay ka baxdo aaggaas.

Ciidamada Israa’iil ayaa dib ugu guran doona xadka 700 mitir u jira xuduudda Gaza, marka laga reebo shan goobood oo xadka uu ku fidi doono 400 mitir oo dheeraad ah, sida ay Israa’iil go’aamisay.

Dhanka Marinka Philadelphi, oo ah 14km ballaaran, oo ku teedsan xadka Gaza iyo Masar, Israa’iil ayaa ciidamadeeda ka dhimi doonta aagga u dhexeeya labada dhinac inta lagu jiro wejiga koowaad.

Sida ku cad heshiiska, ciidamada Israa’iil ayaa bilaabi doona inay ka baxaan maalinta 42-aad ee xabad-joojinta, kaddib marka la sii daayo maxbuuskii ugu dambeeyay ee wejiga koowaad, waxayna ka bixitaanka dhammaystiri doonaan maalinta 50-aad.

Isgoyska Rafah ee u dhexeeya Gaza iyo Masar, oo Israa’iil ay qabsatay intii uu socday dagaalka, ayaa loo furi doonaa in lagu qaado dadka rayidka ah ee dhaawacmay, kaddib marka la sii daayo dhammaan haweenka la haysto (rayid iyo askar). Ciidamada Israa’iil ayaa ku sii sugnaan doona agagaarka isgoyska.

Heshiiska ayaa dhigaya in 50 dagaalyahan Falastiiniyiin ah oo dhaawac ah loo oggolaan doono inay ka gudbaan maalin walba, iyadoo ay oggolaadeen mas’uuliyiinta Israa’iil iyo Masar.

Sidoo kale, dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta ah ee buka ama dhaawaca ah ayaa loo oggolaan doonaa inay u gudbaan Masar si loogu daweeyo.

Falastiiniyiinta barakacay ayaa lagu wadaa inay ku laabtaan waqooyiga Gaza qayb ka mid ah wejiga koowaad, aag ay militariga Israa’iil ku burburiyeen hawlgal milateri oo arxan daran toddobaadyadii u dambeeyay.

Maalinta toddobaad ee xabad-joojinta, Falastiiniyiinta barakacay ee aan hubaysnayn ayaa loo oggolaan doonaa inay ku laabtaan waqooyiga Gaza iyagoo maraya Jidka Rasheed. Maalinta 22-aad, kuwa kale ayaa loo oggolaan doonaa inay ku laabtaan iyagoo maraya Jidka Salah al-Din.

Dhanka gaadiidka, waxaa loo oggolaan doonaa inay ku laabtaan waqooyiga maalinta toddobaad, iyadoo lagu samayn doono baaritaanno ay fulin doonto shirkad gaar loo leeyahay oo ay Israa’iil la go’aamin doonto dhex-dhexaadiyeyaasha caalamiga ah.

Sida ku cad qabyo-qoraalkii hore ee heshiiska, maalinta 16-aad ee xabad-joojinta, waxaa qorshaysan in la bilaabo wadahadallo ku saabsan wejiga labaad ee xabad-joojinta.

Qorshaha guud ee wejiga labaad ayaa ah in dhammaan maxaabiista Israa’iiliyiinta ah la sii daayo, beddelkeedana ay Israa’iil si buuxda uga baxdo Gaza. Faahfaahinta saxda ah weli lama xaqiijin.

Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa muddo dheer ku adkaysanayay inaysan ka bixi doonin marinka ilaa awoodda militari iyo maamul ee Xamaas gebi ahaanba laga saaro. Qorshe ku saabsan maamulka Gaza ee dagaalka ka dib ayaa lagaga hadli doonaa wejiyada labaad iyo saddexaad.

Wejiga saddexaad ayaa ku lug yeelan doona soo celinta meydadka maxaabiista Israa’iiliyiinta ah ee weli lagu hayo Gaza, iyo ku dhawaaqista qorshe dib-u-dhis oo socon doona saddex ilaa shan sano oo loogu talagalay marinka, kaas oo ay kormeerayaan dhinacyo caalami ah.

Dagaalka Israa’iil ku qaadday Gaza ayaa dilay in ka badan 46,000 oo qof, oo u badan haween iyo carruur, tan iyo 7 October 2023, kaddib weerarradii Xamaas hoggaaminaysay ee koonfurta Israa’iil. In ka badan 110,000 oo kale ayaa ku dhaawacmay marinka tan iyo markaas.

Kismayo 16ka Janaayo 2025 Ciidamada ammaanka ee Jubbaland oo howlgal ka sameeyay xaafadda Farjano ee magaalada Kismaayo ayaa gacanta kusoo dhigay haweeeney xalay Seygeedii ku dishay magaaladaasi, kadib markii ay u adeegsatay Sunta lagu dilo Libaaxyada.

Qoraal kasoo baxay Booliska Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in haweeneydaan oo lagu magacaabo Sahra Xuseen Maxamed ay Saygeedii Cabdullahi Cabdiraxman Abuukar sunta ugu dartay cabitaan, kadibna ay siisay, isaga oo u geeriyooday shirqoolkaasi.

“Taliska Ciidamada Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose ayaa Soo qabtay Sahra Xuseen Maxamed oo Saygeedii Cabdullahi Cabdiraxman Abuukar Xalay ku dishay Magaalada kismaayo Xaafadda Farjano Waaxda Dalxiiska” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Sahra ayaa Saygeedda Sunta Libaaxa ugu dartay Cabitaan ay u Soo iibisay taas oo sababtay in uu ugeeriyoodo”

Dhanka kale Dhame Shukri Faarax Ducaale  oo kamid ah saraakiisha Jubbaland oo warbaahinta u faahfaahiyay dhacdada ayaa sheegay in weli ay wadaan baaris, isla markaana haweeneyda eedeysanaha ah ay horgeyn maxkamad, si talaabo looga qaado.

Sahra Xuseen Maxamed oo sawirradooda loo soo bandhigay dadweynaha ayaa ahayd xaaska Marxuumka, waxayna u dhashay dhowr carruur ah, waxaana la sheegay inuu jiray khilaaf u dhexeeyay iyada Seygeeda, kaas oo ay ugu dambeyn ka taqalustay.

Dhacdooyinkan aragagaxa leh ayaa indhowaanahaan kusoo badanayay gudaha dalka, waxaana ugu dambeysay todobaadyo kahor oo magaalada Muqdisho ay ka dhacday dhacdo kale,  kadib markii nin soo qaatay toorey uu xaaskiisa ku gowracay degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir.

Muqdisjo ouo Ukraine 16ka Janaayo 2025Dowladaha Soomaaliya iyo Ukraine ayaa haatan sameysanaya xiriir diblumaasiyadeed, waxaana arrintaasi ka wada-hadlay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi iyo dhiggiisa dalkaasi, Andrii Sybiha.

Labada wasiir oo yeeshay kulan khadka Teleefoonka ah ayaa ka wada-hadlay sidii ay xiriir u sameysan lahaayeen labada dal, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska wasiir Fiqi.

Wada-hadalkan ayaa si gaar ah loogu falanqeeyay iskaashi cusub oo ay yeeshaan labada dowladood iyo sidii ay uga wada shaqeyn layaaheen horumarinta danaha wadaagga ah.

Sidoo kale inta uu kulanka socday labada wasiir ayaa isku soo hadal qaaday arrimo la xiriira nabadda Ukraine, maadaama weli dalkaasi ay ka socdaan dagaallo xooggan

“Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa nabad u rajeeyay dadka dadka reer Ukraine, sidii ay uga bixi lahaayeen dhibaatada dagaalka” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Si kastaba, wada-hadalka ayaa ku soo aadayo, xilli haatan Ruushka uu dagaal ku hayo gudaha dalka Ukraine tan iyo 2022-kii, iyada oo xaaladdu ay gaartay meel halis ah.

Muqdisjo 16ka Janaayo 2025– Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo gelinkii dambe ee Arbacadii ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Hiiraan, kaas oo u dhexeeyay xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo ciidamada dadka deegaanka ee Macawiisleyda.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay tuulada Xalaalay oo hoostagta deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan, waxaana halkaasi ku dagaalamay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo kasoo tallaabay wabiga iyo ciidamada Macawiisleyda ee howlgallada ka wada deegaanka.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa ahaa innoo sheegay in dagaalka uu ahaa mid la’isku riiqmay, isla-markaana saacado badan qaatay, kaas oo dhinacyadu isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana soo kala gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Saraakiil u hadashay Macawiisleyda waxa ay sheegeen in jab culus ay gaaarsiiyeen Al-Shaaab, ayna ka dileen illaa afar xubnood, sidoo kalena ay dhaawaceen tiro kale oo badan.

Waxaa kale oo ay intaasi kusii dareen in dhankooda dagaalka ay uga dhinteen laba askari, welina ay sii wadaan howlgalka xoreynta ee ka socda gobolka Hiiraan.

Xaaladda ayaa weli kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada deegaanka.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayay gobolka, gaar ahaan inta u dhexeysa Buuloburte iyo Halgan oo ay kusoo badanayeen Al-Shabaab.

WARARKA MAANTA 15ka Janaayo 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta:Yaa diidan inuu khaa’inul waddan ah maanta Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”?  Maxuu khaa’inul waddan Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye” u diiday inuu sameeyo Maxkamadda Dastuuriga ah? Yaa diiday inuu sameeyo #Maqaamka #Muqdisho oo barac iyo hoog ku sameeyey shacabka reer #Muqdisho  Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa qabuuraha iyo hantida dadweynaha iibiyey  Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa qoysaskiisa u xiray inay baad iyo gunno saartaan ganacsiyo kala duwan? Yaa ilmihiisa u magacaabay jaggooyin aysan wax xaq iyo aqoon u lahayn Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa diiday inay labada aqal iyo dowladda wadashaqeeyaan Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa sidan u hadlaaya oo haddan sheegaaya fashilka dowladdiisa  Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Ha Wiqleyso!

Muqdisjo 15ka Janaayo 2025 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa shaaciyay in Dowladda ay taageero nooc waliba ay diyaar ula tahay in lagu garab istaago Ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira Kooxda Daacish.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa ku amaanay ciidanka Puntland sida geesinimada leh ay ula dagaalamayaan Kooxda Daacish, waxaana uu carabka ku dhuftay in gurmad walba oo ay Dowladda uga baahdaan ay diyaar ula yihiin. “Dowladda Federaalka waxa ay si buuxda u garab taagan tahay Ciidamada geesiyaasha ah ee Puntland ee dagaalka kula jira Cadowga Daacish, waxaanan ugu hambalyeynayaa guulaha waaweyn ee ay ka soo hooyeen dagaalka cadowga” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay xiisadihii dhowaanahaan ka jiray degaanada Hirshabeelle, waxaana uu yiri“ Waxaan bogaadinayaa dadaaladii maalmihii la soo dhaafay ka socday Magaalada Beledweyne, waxaana ilaahay mahadiis ah in dhammaan la isku raacay in la soo af jaro foowdadii oo la isla ogolaaday in sharcigu shaqeeyo”.

Arrimahaan Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, waxa uu ka sheegay munaasabad ka dhacday Tiyaatartka Qaranka oo ay ka qeyb galayeen Haweenka Dowladda u shaqeeya, waxaana khudbadiisa ku sheegay in Haweenka Soomaaliyeed ay door muuqda ku leeyihiin Xukuumadda, dhawaana ay ka heli doonaan xuquuqda ay ku leeyihiin Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha iyo hey’adaha kala duwan ee dowladda.

Ra’iisul Wasaare Xamse, ayaa hoosta ka xarriiqay in uusan xil ka hayn doonin Xukuumadiisa masuul walba oo ku xadgudba xaquuqda dumarka Soomaaliyeed, isaga oo intaas ku daray in xukuumaddu ay ansixisay sharciyadii lagu ilaalinayey xuquuqda haweenka Soomaaliyeed.

Muqdisjo 15ka Janaayo 2025 Senator Cabdi Ismaaciil Samatar oo kamid ahaa siyaasiyiin maanta shir jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay heshiiskii Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed ay ku galeen magaalada Ankara, isagoo sheegay in uu lamid yahay kii Muuse Biixi uu saxiixay.

Senatorka ayaa sheegay in Xasan uu qorsheynayo in xukunka uu xoog ku sii joogo, taasina ay ku qasbeyso in dowlad goboleedyada uu dagaal ku qaado, badana iibsado, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Wuxuu sheegay in heshiiskii Muuse Biixi iyo kan Xasan Sheekh uu hadda saxiixay ay isku mid yihiin, isagoo ka digay in mustaqbalka umadda Soomaaliyeed la iibsado.

“Heshiiska Xasan uu Ankara kusoo galay waxba ugama duwana kii Abiy uu la galay Muuse Biixi, badda Soomaaliyeed halis ayay ku jirtaa, danta gaarka ah ee Xasan Sheekh iyo danta Abiy Axmed ayaa walaaloobay,” ayuu yiri Prof. Cabdi Samatar.

Sidoo kale wuxuu sheegay in hadii umadda Soomaaliyeed ay aqbalaan waxa Xasan Sheekh wado ay ku halaagmi doonaan, “Dhulkaan waa hadiyad Allena siiyey, difaacda, cid kale yeysan idinkugu talin dhulkiina,” ayuu yiri.

Goobta uu Senator Cabdi Ismaaciil Samatar hadalkaan ka sheegay waxaa sidoo kale ka hadlay Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, kuwaas oo Xasan Sheekh ku dhaliilay sida uu u maareeyey xiisadii Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Itoobiya haddii ay bad ganacsi rabto maxay uga raadsan waysay Jabuuti, Eritrea ama Suudaan, maxay Somalia uga soo doonatay? Xaqiiqda ayaa ah in Itoobiya aysan bad ganacsi rabin, laakiin ay rabto bad ay qaadato mugdi badan ayaana ku jira waxa lagu soo heshiiyay,” ayuu yiri Madaxweyne hore Sheekh Shariif.

“Madaxweyne Xasan wuxuu caasimadda Ethiopia u tagay in uu soo raaligaliyo Abiy Axmed, muu raaligaliyo walaalihiisa ay talada kala dhaxeyso? sax ma ahan in la raali galiyo wadan nagu soo duulay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay isla goobtaas.

Muqdisjo 15ka Janaayo 2025  Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in dowladda Suudaan ay ku garab siiso dib u dhiska ciidankii qaranka, sida ilo diblomaasiyadeed ay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Garab istaagga Soomaaliya ay u balan-qaaday Suudaan waxaa fulintiisa ka qeyb qaadanaya Turkiga, waxaana ciidamada Suudaan lagu tababari doonaa Muqdisho.

Soomaaliya oo kaashaneysa Turkiga ayaa Suudaan ka balan qaaday in ay ku garab-siineyso dhismaha ciidankooda qaranka oo ku burburay dagaaladii sokeeye ee dalkaas ka dhacay.

Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheysay in duleedka Muqdisho saldhig militeri laga siiyo Suudaan, halkaas oo lagu dhisi doono ciidamadii burburay ee dalkaas.

Tababarka Ciidamada Suudaan waxaa ka qeyb qaadan doona Turkiga, sidoo kale waxaa jira qorshe saraakiil militeri oo Soomaali ah loogu dirayo dalka Suudaan, sida ay sheegeyso xogtaan.

Ciidamada Suudaan oo dagaal kula jira jabhad kasoo hor jeeda dowladda ayaa sidoo kale wajahaya burbur xoog leh, saraakiil iyo ciidamo ka socda dowladda Soomaaliya ayaa hadda loo diyaarinayaa in loo diro Suudaan, si ciidamada dowladda ay uga gacan siiyaan dagaalka kooxda ka soo horjeeda dowladnimada.

Turkiga oo Soomaaliya ay u tahay Albaabka uu ka soo galay qaaradda Afrika ayaa aad u daneeya in Suudaan ay dib u soo kabato oo noqoto dowlad xoog leh, wuxuu diyaar u yahay inuu ku caawiyo gudaha Soomaaliya.

Soomaaliya oo doorkeeda dhismaha ciidamada Suudaan qaadaneysa ayaa ugu horeyn balan-qaaday saldhigii lagu dhisi lahaa ciidamada Suudaan, waxaana xiga talaabooyin militeri oo Soomaaliya iyo Turkiga iska kaasha doonaan.

WARARKA MAANTA 14ka Janaayo 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta:Maxuu khaa’inul waddan Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye” u diiday inuu sameeyo Maxkamadda Dastuuriga ah? ?Yaa diiday inuu sameeyo #Maqaamka #Muqdisho oo barac iyo hoog ku sameeyey shacabka reer #Muqdisho  Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa qabuuraha iyo hantida dadweynaha iibiyey  Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa qoysaskiisa u xiray inay baad iyo gunno saartaan ganacsiyo kala duwan? Yaa ilmihiisa u magacaabay jaggooyin aysan wax xaq iyo aqoon u lahayn Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa diiday inay labada aqal iyo dowladda wadashaqeeyaan Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa sidan u hadlaaya oo haddan sheegaaya fashilka dowladdiisa  Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Ha Wiqleyso!

Jubbaland 14ka Janaayo 2025 War kasoo baxay Madaxtooyada Jubalanad ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo si weyn u bogaadiyay howlgalada ka dhanka ah Daacish ee ka socda Puntland.

Warkaan ayaa shaaca looga qaaday in Madaxweynaha Jubaland uu adkeeyay ahmiyada ay leedahay in si mideysan loo wajaho dagaalka Argagixisada si dib u dhiska iyo soo kabashada Soomaaliya ay u noqoto mid miro dhal ah.

Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubaland ayaa amaan kala dul dhacay maamulka iyo ciidanka Puntland waxaana uu ugu hambalyeeyay ciidamada Puntland guulaha ay ka gaareen howlgalka lagu cirib tirayo kooxda Daacish isagoo tilmaamay in howlgalkan uu u leeyahay muhiimad weyn dadka reer Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Warka kasoo baxay Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaan marna lagu soo hadal qaadin in Dowladda Soomaaliya ay ku gacan siiso Puntland dagaalka ay kula jirto Daacish.

Madaxweynaha Jubaland ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka inay ku garab istaagaan Puntland sidii uu u miro dhali lahaa howlgalka ka dhanka ah kooxda Daacish.

Muqdisho 14ka Janaayo 2025 War saxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa lagu faah faahiyay qaraxyo xalay laga maqlay Degmada Daaru Salaam ee Gobolka Banaadir, waxaana Booliska ay sheegeen in wixii la maqlay ay ahaayeen miinooyin been abuur ah. Booliska ayaa shaaca ka qaaday in  uu bulshada Soomaaliyeed iyo saxaafadda u caddeynayo in aysan jirin wax khatar amni ah oo ka jirta caasimadda Muqdisho.

War saxaafadeedka Booliska ayaa lagu yiri “Kooxaha khawaarijta ayaa isku dayay inay abuuraan cabsi, iyagoo miinooyin been abuur ah ku dhajiyay xarun ganacsi oo ku taalla Degmada Daarusalaam.”

Booliska ayaa waxa ay tilmaameen in Miinooyinkaas ay xaqiijiyeen inay ahaayeen kuwo dheemish ah oo aan geeysan wax khasaare nafeed ama mid hantiyeed oo ka dhashay falkaas.

Taliska Boliiska Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay shacabka inay nabadda kala shaqeeyaan ciidamada amniga, ayna ka digtoonaadaan wararka been abuurka ah ee lagu qalqal galinayo bulshada Soomaaliyeed.

Muqdisho 14ka Janaayo 2025 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galabta garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka soo dejisay labo muwaadin oo Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Ibraahim Maxamud Cali iyo Sharma’arke Nuur Cabdi Aadan, raggaan ayaa laga soo badbaadiyay Badweynta Hindiya.

Markab laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa muwaadiniintaan ka soo badbaadiyay badda, kadib markii ay ciladowday Dooni ay ku kalluumeysanayeen, muddo 24 maalmood ah ayey ku jireen badda, iyadoo Doonta ciladeysan ay hadba dhinac la aadeysay.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Shiinaha oo ka war heshay xaaladda labadaas muwaadin ayaa la xiriirtay Kaptanka Markabkii badbaadiyey muwaadiniintaan, waxaana suurtagashay in gurmad loo fidiyo, iyadoo ugu dambeyntii galabta laga soo dejiyey Muqdisho.

Ibraahim iyo Sharma’arke oo ka warbixiyey marxaladihii ay soo mareen ayaa sheegay in markii ay Doontu ka ciladowday ay ka kalluumeysanayeen xeebaha magaalada Muqdisho, dabaysha ayaa laashka u qaaday gudaha Badweynta Hindiya, waxayna ku qaadatay 25 cisho oo cunto iyo biyo aysan helin, sida lagu sheegay warbixinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Shiinaha.

Seddax maalmood ka hor 10-kii bishaan Janaayo 2025 ayaa Shiinaha la geeyey Ibraahim iyo Sharma’arke, maanta 13-ka Janaayo laga soo dejiyey Muqdisho, iyadoo garoonka Aadan Cadde ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Puntland14ka Janaayo 2025 Maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamada la dagaalanka argagixisada ay guulo ka gaareen dagaal maanta ay ku qaadeen kooxda Daacish ee ku sugan gobolka Bari.

Dagaalkaas ayaa maanta ka dhacay buuraha Calmis-kaad ee gobolka Bari, sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay kooxda ka qabsadeen dhowr saldhig oo ay ku lahaayeen buuraha Calmiskaad, kadib dagaal toos ah oo maanta dhexmaray labada dhinac.

Wasiir Caydiid waxaa uu sheegay in deegaanka Bali-dhidin ee maanta dagaalku ka dhacay uu ahaa halkii ay ku xoogganaayeen kooxda Daacish ee uu hoggaamiyo Cabdulqaadir Muumin.

Puntland ma sheegin khasaaraha inta uu la’eg yahay dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Bali-dhidin ee gobolkaas.

Warbaahinta ayaa soo bandhigtay sawirrada meydadka xubno ajaanib ah oo ka tirsanaa Daacish, kuwaas oo ciidamada Puntland ay dagaalka ku dileen.

Maamulka Puntland ayaa dhawaan ku dhawaaqay dagaal ay ku qaadeen buuralayda Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay saldhigyo waaweyn ku leeyihiin kooxda Daacish.

Muqdisho 14ka Janaayo 2025  Labo jug oo xoog leh ayaa caawa laga maqlay magaalada Muqdisho, waxaana la helayaa faahfaahin hordhac ah, sida ay wax u dhaceen.

Sida ay ilo wareedyo dhanka amniga ah u sheegeen Caasimada Online, jugta la maqlay waa weerar kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday degmada Daarusalaam.

Koox ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay inay weerareen saldhig ciidamada xasilinta caasimadda Muqdisho ee Boolis-Militeri ay ku leeyihiin degmada Daarusalaam.

Weerarkaas wuxuu si gaar ah uga dhacay saldhig ku yaalla jidka Jaayga ah ee Daarusalaam ka aada dhanka deegaanka Ceelasha Biyaha, kooxda geysatay waxaa la sheegay inay jidkaas ku yimaadeen.

Mootooyin nooca FEKON-ta ah ayaa la sheegay inay wateen xubnaha weerarka geystay, ilaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaas, mana jirto faahfaahin weli ka soo baxday dowladda.

Kooxda weerarka fulisay ayaa naloo sheegay inay ridayeen Sabanno, Bambooyinka gacanta laga tuuro iyo rasaas toos ah.

Is-rasaaseyn dhowr daqiiqo socotay ayaa goor dambe joogsatay, waxaana la sheegay in dhica degmada Deyniile ay u baxsadeen raggii weerarkaas geystay oo la aaminsan yahay inay Shabaab yihiin.

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online

Muqdisho 14ka Janaayo 2025 Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar (Cali Balcad), ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku dadaaleyso sidii Itoobiya loogu dari lahaa qoondada ciidamada ee howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Balcad ayaa xaqiijiyay in dowladda federaalka Soomaaliya ay horey u qoondeysay ciidamo ka qayb qaata howlgalka, ayna aqoonsatay dalalka la filayo inay ciidamo ku biiriyaan. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu caddeeyay in ka qaybgalka Itoobiya uu weli yahay mid aan la hubin, iyadoo dowladda ay ku howlan tahay xallinta arrimaha la xiriira qeybinta ciidamada.

“Caqabadda ugu weyn ee hortaagan ka mid noqoshada Itoobiya ee AUSSOM waxay la xiriirtay heshiiskii MoU-ga. Arrintaas waa la xalliyay. Caqabadda hadda jirtaa waxay tahay in inta badan qoondada ciidamada horey loo qoondeeyay, ayna yar tahay waxa ka haray in la qeybiyo. Waxaan si firfircoon ugu shaqeyneynaa sidii xal loo heli lahaa,” ayuu yiri Balcad.

Kadib kulan dhowaan ka dhacay Addis Ababa oo dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, labada dal ayaa ku heshiiyay inay soo celiyaan xiriirkoodii diblomaasiyadeed ee buuxa kaas oo ay waxyeello gaarsiisay heshiiskii MoU-ga ee Somaliland.

Soomaaliya ayaa muddo dheer ku adkaysaneysay in ka qaybgalka Itoobiya ee howlgalka nabad ilaalineed ee mustaqbalka uu ku xiran yahay in ay ka laabato heshiiskeedii MoU-ga ee Somaliland.

Heshiiskaas oo la saxiixay Janaayo 2024, ayaa u oggolaaday Itoobiya inay marin bad oo dhanka Badda Cas ah ka hesho Somaliland, taas oo Soomaaliya u aragto faragalin lagu hayo midnimadeeda dhuleed.

In kasta oo ay sidaas tahay, haddana Soomaaliya ayaa dhawaan jilcisay mowqifkeeda, iyadoo aqoonsatay doorka Itoobiya ee howlgallada nabad ilaalinta ee hoos yimaada Howlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Wafdi ka socda Soomaaliya ayaa la filayaa in ay maalmaha soo socda u safraan Itoobiya si ay uga hadlaan faahfaahinta farsamo ee la xiriirta ka qaybgalka Itoobiya ee howlgalka. Tani waxaa ka mid ah xaqiijinta tirada ciidamada iyo hubinta in ka qaybgalka Itoobiya uu waafaqsan yahay danaha qaran ee Soomaaliya iyo madaxbanaanideeda.

Balcad ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in Itoobiya ay dhawaan soo magacaabi doonto safiirkeeda Soomaaliya, halka safiirka Soomaaliya ee Itoobiya uu bilaabi doono waajibaadkiisa rasmiga ah.

Muqdisho 14ka Janaayo 2025  Magaalada Muqdisho ayaa marti-gelin doonta kulanka labaad ee fulinta heshiisyadii kasoo baxay shirkii saddex geesoodka Asmara.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Ereteriya iyo Masar oo Axaddii kulan ku yeeshay Qaahira, ayaa arrintaan isla gaaray, sida lagu shaaciyay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar.

Kulankaas ayaa u daarnaa sidii ay dib u eegis ugu sameyn lahaayeen fulinta qodobadii ay madaxda saddexda dal ku heshiiyeen intii lagu guda jiray shirkii Asmara ee dhacay 10-kii October 2024.

Kulanka Qaahira ayaa waxaa marti-galiyey wasiirka arrimaha dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, iyadoo uu ka qayb-galay wasiirka arrimaha dibeadda ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo dhiggiisa Ereteriya, Cusmaan Saalax Maxamed.

Wasiirrada ayaa markaas si gaar ah uga wada-hadlay amniga gobolka, ilaalinta madax-bannaanida dalalka Geeska Afrika iyo Badda Cas iyo weliba taageeridda mabaadi’da sharciga caalamiga ah.

Bayaanka ayaa lagu xaqiijiyey in kulanka labaad ee saddex geesoodka uu ka dhici doono Muqdisho, inkastoo taariikh rasmi ah aan weli la shaacin.

Wasiirradu waxay isku raaceen in ay sii xoojiyaan isku-dubaridka dadaallada lagu xaqiijinayo heshiisyadii Asmara.

Shirka Asmara oo lagu saxiixay bilowgii khilaafkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhashay is-afgaradkii Somaliland, ayaa diiradda saarayey xoojinta amniga gobolka, ilaalinta madax-bannaanida dalalka iyo in la taageero mabaadi’da aan faragelin gudaha dalalka kale.

WARARKA MAANTA 13ka Janaayo 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa lhiyaano qaran dadka iyo dalka ku haggay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa shacabka #Muqdisho baraciyey Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye:? Yaa og inuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye: caafimaad qabo iyo inuu waalan yahay? Yaa noqday Madaxweynaha ugu musuqmaasuqa badan #Soomaaliya Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diidan inay Soomaaliya nabad noqoto Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammad Dastuuriga ah oo beddelay dastuurkii lagu soo doortay Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo #Maqaamka #Muqdisho oo barac iyo hoog ku sameeyey shacabka reer #Muqdisho  Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa qabuuraha iyo hantida dadweynaha iibiyey  Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa qoysaskiisa u xiray inay baad iyo gunno saartaan ganacsiyo kala duwan? Yaa ilmihiisa u magacaabay jaggooyin aysan wax xaq iyo aqoon u lahayn Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa diiday inay labada aqal iyo dowladda wadashaqeeyaan Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa sidan u hadlaaya oo haddan sheegaaya fashilka dowladdiisa  Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Ha Wiqleyso!

Muqdisho 13ka Janaayo 2025 Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa dhaliil culus u jeediyey Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo ku eedeeyey in uu ku kacay ficillo dhaawacaya sharafta iyo karaamada qaranimada Soomaaliya.

“Febraayo 17, 2024, Madaxweyne Xasan isagoo looga digayey ayuu ka degay Addis Ababa, halkaas oo lagu soo bahdilay. Shalayna ciidanka badda Itoobiya ayaa loo diyaariyey inuu salaan ka qaato waa bahdilaad kale oo aan marnaba la aqbali karin,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxa uu intaa ku daray in Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu ku guuleystay inuu niyad-jabiyo madaxda kale ee gobolka, isagoo tusay sida uu sheegay xildhibaanku, in Madaxweyne Xasan Sheekh aanu ahayn hoggaamiye lagu kalsoonaan karo ama la saadaalin karo.

“Waxaan aragnaa Madaxweyne Xasan oo si ula kac ah u qaawinaya bowdooyinka qaranka Soomaaliyeed, midba maalin. Waa waajib naga saaran inaanan ku eegan ficilladan,” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa shalay booqasho ku tagay dalka Ethiopia, halkaas oo uu heshiis ku saabsan xoojinta wada shaqaynta labada dal lasoo galay raysal wasaaraha Ethiopia.

Muqdisho 13ka Janaayo 2025  Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika (SRCC) ee Soomaaliya, ahna Madaxa AUSSOM, Danjire Mohamed El-Amine Souef, ayaa soo dhoweeyay war-murtiyeedkii wadajirka ahaa ee 11-kii Bishaan laga soo saaray Magaalada Addis Ababa, ka dib wada hadalo dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Danjire Mohamed El-Amine Souef ayaa tilmaamay inay bogaadinayaan horumarka muhiimka ah ee laga gaaray xiriirka laba geesoodka ah ee Labada Dowladood.

Danjiraha ayaa shaaca ka qaaday in tani ay xaqiijineeyso in lasii wado kamira dhalinta qodobadii labada Dowladood ay ku heshiiyeen ee Shirkii ka dhacay Magaalada Ankara.

Mohamed El-Amine Waxa uu iftiimiyay muhiimadda ay leedahay in diiradda la saaro xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga amniga, horumarinta isdhexgalka dhaqaale, kuwaas oo dhammaantood muhiim u ah horumarinta nabadda gobolka, xasilloonida iyo barwaaqada la wadaago.

Danjjraha ayaa ugu dambeyn waxa uu xusay in howlgalka AUSSOM ay ka go’an tahay in ay taageerto dadaallada xasilinta Soomaaliya iyo iskaashiga gobolka, si waafaqsan rabitaanka dadka Soomaaliyeed iyo aragtida Midowga Afrika ee nabad iyo barwaaqo Afrika ah.

Muqdisho 13ka Janaayo 2025 Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Balcad, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii Itoobiya loogu dari lahaa qoondada ciidamo ee howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Wasiirku wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya horey u qeybisay tirada guud ee ciidamada iyo dalalka laga filayo inay ka yimaadaan. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu xusay inay weli ka shaqeynayaan sidii loo xallin lahaa qoondada ay Itoobiya ku yeelan karto.

“Caqabadaha Itoobiya ka hor istaagay inay qayb ka noqoto AUSSOM waxa ay salka ku hayeen heshiiska MOU. Hadda caqabaddaas waa la xalliyay, balse caqabadu waxay ka jirtaa tiradii loo qorsheeyay oo intooda badan horey loo qeybiyay, wax harsanna ma jiraan. Sidaas darteed, waxaan ku dadaaleynaa sidii arrintaas xal looga gaari lahaa,” ayuu yiri Cali Balcad.

Wasiirku intaas ku daray in maalmaha soo socda wafdi ka socda dowladda Soomaaliya ay u ambabixi doonaan Itoobiya si ay ugala xaajoodaan arrimaha farsamo ee howlgalka AUSSOM.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in Itoobiya ay dhowaan soo magacaabi doonto safiirkeeda Soomaaliya, halka safiirka  Soomaaliya ee Itoobiya uu si rasmi ah u bilaabi doono shaqadiisa.

Muqdisho 13ka Janaayo 2025  – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay safarkii madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tegay dalka Itoobiya ayaa wax laga naxo ku tilmaamay in ciidamada Badda Itoobiya uu maanta salaan ka qaatay Xasan.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Xasan Sheekh ka joog laga waayey labo jeer oo Itoobiya uu tegay, balse safarkaan iyo mid ka horeeyaba ay horseedeen guul-darro weyn.

“Madaxweyne Xasan iyadoo ka joog la leeyahay ayuu Addis Ababa ka degey February 17, 2024, waa lagu soo bahdilay, shalayna ciidanka Badda Itoobiya ayaa loo diyaariyey in uu salaan ka qaato, waa bahdilaad kale,” ayuu yiri CC Shakuur.

Sidoo kale, Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Abiy isaga loo hoyday, dowladahii kalana wuxuu tusay in aan Madaxweynaha Soomaaliya la isku halleyn karin, lana saadaali karin.

Tan ugu daran wuxuu sheegay inay dhacday markii uu booqday ciidamada Badda Itoobiya, kuwaas oo loo tababaray badda Soomaaliya, maadaama Itoobiya aysan bad laheyn.

“Madaxweyne Xasan wuxuu ku tala galay in uu bowdooyinka qaranka Soomaaliyeed midba maalin qaawiyo, waajib ayaa naga saaran in aannan ku eegan,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay sawir hadal-hayn badan dhaliyay oo si weyn ugu baahay baraha bulshada, kaasi oo ku wada jiraan madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Sawirka ay qoslayaan labada masuul oo aad ugu faafay baraha bulshada ayaa imaanaya ku dhowaad hal sano oo cadowtinimo xooggan ay ka dhaxeysay labada dal, ka gadaal markii Itoobiya ay Somaliland la saxiixatay is-afgarad dhabaha u xaaraya damaceeda badda.

Sawirka ayaa muujinaya labada masuul oo gacmaha is-haysta, aadna u qoslaya, taas oo ka turjumeysa heer qanacsanaan iyo saaxiibtinimo ee labada dowladood kadib muddo uu mugdi ku gadaamna xiriirkooda diblumaasiyadeed, taas oo dad badan siyaabo kala duwan uga fal-celiyaan.

“Isqadarin loo siman yahay, wadan walbaana kan kale ixtiraamayo arrimihiisa u gaarka ah, wixii la wada qabsanayana wadada sharciga loo marayo waa midda la xaqiijiyey,” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Somaliland 3ka Janaayo 2025Somaliland ayaa sheegtay in waddo  qorshe ay dib ugu soo ceshanayso maamulka hawada, arrintaas oo ah horumar xasaasi ah oo kordhin kara xiisadda kala dhaxaysa Soomaaliya.

Hawada saree e Soomaaliya, oo ay haatan maamusho dawladda Soomaaliya, ayaa hore ugu hoos jirtay kormeer caalami ah ka hor inta aan la wareejin dhowr sano ka hor.

Fu’aad Axmed Nuux, Wasiirka Duulista Hawada iyo Horumarinta Garoomada ee Somaliland, ayaa xaqiijiyay in dib u soo celinta maamulka hawadu ay mudnaanta koowaad u leedahay xukuumadda.

Go’aankan ayaa yimid iyadoo ay jirto muran daba dheeraaday oo kala dhexeeya Soomaaliya oo ku saabsan maamulka hawada, kaasi oo socday muddo sanado ah.

“Waxaa muran nagala dhexeeyaa Soomaaliya oo ku saabsan maamulka hawada, hadafkayaguna waa inaan dib u soo celino gacan ku haynta buuxda ee hawadeena,” ayuu yiri Wasiir Fu’aad.

“Waxaan qaadeynaa tallaabooyin sharci ah si aan dib ugu soo ceshano gacan ku haynta,” ayuu Fu’aad sharaxay. “Waxaan qorshaynaynaa inaan raadinno taageero sharci oo caalami ah si ay noogu caawiso howshan.”

Khilaafka hawada ayaa waxaa sii kordhiyay heshiiskii dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland, kaas oo Itoobiya u ogolaaday inay hesho marin badeed, beddelkeedana ay aqoonsi siiso madax-bannaanida Somaliland.

Soomaaliya, oo u aragta Somaliland inay qayb ka tahay dhulkeeda, ayaa si adag uga soo horjeesatay heshiiska, iyadoo ku eedaysay Itoobiya inay ku xad-gudubtay madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Khilaafku wuxuu hore u sababay dhowr dhacdo oo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin diidmadii Soomaaliya ee duullimaadyo badan oo ku socday Somaliland, gaar ahaan duullimaadyadii Ethiopian Airlines oo siday saraakiil sar-sare.

Maamulka Soomaaliya ayaa sidoo kale dib u celiyay diyaarad Ethiopian Airlines ah iyo diyaarad xamuul ah, oo labaduba oo isku dayay inay ka degaan Hargeysa, caasimadda Somaliland.

Khilaafka hawada ayaa sidoo kale sababay walaac dhinaca ammaanka ah. Horraantii 2024, mas’uuliyiinta duulista hawada caalamiga ah ayaa soo wariyay dhacdooyin sababi karay isku dhac diyaaradeed, sida kiis dhowaan dhacay oo u dhexeeyay diyaarad Qatar Airways ah iyo Ethiopian Airlines.

Tilmaamaha is-khilaafsan ee kontoroolka taraafikada hawada (ATC), gaar ahaan kuwa ka imanaya kontoroolayaasha aan la fasixin, ayaa sare u qaaday digniinta ku saabsan badqabka duullimaadyada ku safraya hawada Soomaaliya.

“Arrinta tilmaamaha is-khilaafsan ee ATC waxay noqonaysaa khatar amni oo halis ah,” ayuu yiri afhayeen u hadlay Ururka Duulista Hawada Caalamiga ah (ICAO). “Waxaan si dhow ula soconaa xaaladda si loo hubiyo badqabka duullimaadyada caalamiga ah.”

Soomaaliya ayaa ka jawaabtay khilaafka sii kordhaya iyadoo hirgelisay nidaamyo isgaarsiineed oo cusub si ay si hufan ugu maamusho taraafikada hawada.

Nidaam cusub oo telefoonka satellite-ka ah oo ay adeegsadaan kontoroolayaasha taraafikada hawada ee Soomaaliyeed ayaa ujeedkiisu yahay in wax laga qabto walaacyada ammaanka iyadoo la hagaajinayo isgaarsiinta diyaaradaha ku duulaya hawada lagu muransan yahay.

Si kastaba ha ahaatee, Somaliland ayaa dhaleeceysay dadaalladan, iyadoo ku eedaysay Soomaaliya inay nidaamkan u isticmaalayso si ay u sii wiiqdo maamulka Somaliland.

Somaliland ayaa sidoo kale ku eedaysay Soomaaliya inay si xun u maamushay in ka badan $60 milyan oo dollar oo loogu talagalay maareynta taraafikada hawada iyo horumarinta garoomada diyaaradaha.

Hay’adda Duulista Hawada ee Somaliland ayaa ku andacootay in Soomaaliya ay ku guuldarraysatay inay ixtiraamto heshiisyada la xiriira kaabayaasha garoomada diyaaradaha, taasoo horseedday carqaladeyn ku timaada taraafikada hawada iyo dib u dhac weyn oo ku yimid horumarinta waaxda duulista hawada ee Somaliland.

Marka laga soo tago dib u soo ceshiga gacan ku haynta hawada, xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay xoogga saarayso ballaarinta iyo casriyeynta garoomada diyaaradaha ee muhiimka ah ee dalka oo dhan.

Dib u habayn ayaa loo qorsheeyay garoomada diyaaradaha ee Burco iyo Boorama, halka garoonka casriga ah ee Berbera si buuxda loo hawlgelin doono si loo xoojiyo isku xirnaanta Somaliland, sida ay sheegtay xukuumadda.

Khaatumo State 13ka Janaayo 2025 Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo hadal ka jeediyay munaasabad xalay ka dhacday magaalada Laascaanood ayaa hanjabaad culus u diray Somaliland oo uu weli kala dhexeeyo dagaal ku aadan gacanta ku heynta Sool iyo Sanaag.

Firdhiye ayaa shaaca ka qaaday inay u diyaar garoobayaan dagaal horleh, si ay u qabsadaan deegaannada weli ka maqan gacantooda, isaga oo wacad ku maray inay adeegsan doonaan awood ciidan, si ay u qabsadaan deegaannadaasi.

Hoggaamiyaha SSC ayaa si gaar ah u carab baabay magaalada Ceerigaabo oo ay hadda ku sugan yihiin ciidamada Somaliland, isaga oo ku goodiyay inay ka saari doonaan.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray bulshada SSC-Khaatumo oo uu ku booriyay inay u dyaar garoobaan dagaalkaan, isaga oo ugu baaqay inay qayb ka noqdaan halganka socda.

“Waxaa halkan uga sheegaya Reer SSC meel ay joogaanba in loo diyaar-garoobo sidii aynu ugu guuri lahayn Ceerigaabo iyo gobolka Sanaag inta gacanteenna ka maqan si aynu u dhammaystirno halgankii aan u galnay dhulkeenna iyo masiirkeenna” ayuu yiri Firdhiye.

Dhinaca kale waxa uu ku eedeeyay ciidamada Somaliland in ay dhibaato ku hayaan bulshada dadka deegaanka, gaar ahaan dadka kasoo jeeda SSHadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan labada dhinac ay ku dagaalameen magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, inkastoo dib loo durjiyay SSC.C, ayna ka hortagi doonaan.

Muqdisho 13ka Janaayo 2025 Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo ka hadashay isbeddalka ku yimid xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib wada-hadalladii ka dhacay Addis Ababa ayaa soo saartay amar ku socda safiirka Soomaaliya ee Itoobiya.

Wasiiru dowladaha wasaaradda arrimaha dibadda, Cali Balcad oo boggaadiyay guulaha laga gaaray wada-hadalladii ugu dambeeyay ayaa shaaca ka qaaday in haatan wixii ka dambeeya la farayo danjiraha Soomaaliya u fadhiya Addis Ababa inuu xoogga saarayo arrimaha Itoobiya iyo Midowga Afrika.

Cali Balcad ayaa sheegay in markii hore ay Soomaaliya ay diiradda saareysay oo kaliya Midowga Afrika balse ay kla shaqeyn doonaan xoojinta xiriirka labada dowladood.

“Safiirka Soomaaliya ee Addis Ababa oo xoogga saari jiray arrimaha Midowga Afrika awal waxa u xooggiisa saarayay AU-da oo wax badan kama qabaneyn arrinta Itoobiya balse hadda kaddib waxa uu xoojinayaa arrimaha Itoobiya” ayuu yiri Wasiir Cali Balcad.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxay soo dirsan doonaan labadii Qunsul ee u kala joogay Muqdisho iyo Garowe, kuwaas oo hoos imaa doona safaaradda Muqdisho,”.

Dhinaca kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ay sii socon doonaan dadaallada, gaar ahaan yoolka ah sidii la isugu dheeli-tiri lahaa howlgalka cusub ee AUSSOM ee Soomaaliya maadaama horay loo kala qaybiyay Dowladaha iyo sida ay ciidamadooda uga qaybgali karaan.

Itoobiya ayaa haatan dadaal xoogleh gelineyso, sidii ay ciidamadeeda uga mid noqon lahaayeen howlgalka cusub, waana sababta ugu wayn ee soo dadajisay heshiiska.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ka heshiiyay khilaaf diblumaasiyadeed oo dhex yaalay muddo sanad ah, waxaana labada Xasan Sheekh iyo Abiy ay ugu dambeyn soo afjareen xiisadda.

WARARKA MAANTA 12ka Janaayo 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa og inuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye: caafimaad qabo iyo inuu waalan yahay? Yaa noqday Madaxweynaha ugu musuqmaasuqa badan #Soomaaliya Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diidan inay Soomaaliya nabad noqoto Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammad Dastuuriga ah oo beddelay dastuurkii lagu soo doortay Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo #Maqaamka #Muqdisho oo barac iyo hoog ku sameeyey shacabka reer #Muqdisho  Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa qabuuraha iyo hantida dadweynaha iibiyey  Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa qoysaskiisa u xiray inay baad iyo gunno saartaan ganacsiyo kala duwan? Yaa ilmihiisa u magacaabay jaggooyin aysan wax xaq iyo aqoon u lahayn Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa diiday inay labada aqal iyo dowladda wadashaqeeyaan Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa sidan u hadlaaya oo haddan sheegaaya fashilka dowladdiisa  Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Ha Wiqleyso! 

Muqdisho 12ka Janaayo 2025  – Ku dhawaad 100 Xildhibaan oo ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa digniin adag u diray Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kooxdiisa ku howlan wax ay ugu yeereen “boobka iyo iibinta” Dhulalka Danta Guud.

“Annagoo ah xildhibaannada labada Aqal ee BJFS oo gudanaya waajibaadkooda Dastuuriga ah waxaan halkaan ku soo gudbineynaa in loo istaago Ilaalinta Hantida Danta Guud iyo u digidda dadka u fududeeya Villa Somalia boobka Dhulka Danta Guud,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xildhibaanadaas.

Xildhibaanada ayaa sheegay in shuruucda dalka ee iibka dhulka ay ku waajibinayaan Xukuumadda markii dhulka laga saarayo Diiwaanka Dhulka Danta Guud in ay xaqiijiso 8-daan qodob:

  1. Caddeyn soo bandhigidda in laga maarmay dhulkaan iyo sababata.
  2. In la Naadiyo laguna qoro faafinta rasmiga ee Dowladda, laguna dhejiyo goobaha dadku isugu yimaadaan.
  3. Xaqiijinta u sinnaanta fursadaha helidda dhulka iyo ka faa’iideysiga kheyraadkiisa,
  4. Dammaanad qaadista xuquugda lahaanshaha dhulka iyo diiwaangelinta,
  5. Xaqiijinta ka faa’iideysiga dhulka si waafaqsan Mabaadi’da ka dheefsashada dhulka iyada oo aan dhibaato loo geysan,
  6. Xallinta khilaafaadka ka dhasha dhulka iyo hantida,
  7. Xadeynta dhulka uu qof ama shirkado yeelan karaan,
  8. Nidaaminta dhaqdhaqaaqa suuqa ka ganacsiga dhulka, si looga hortago ku takrifalidda xuquuqda milkiilayaasha dhulka ee yaryar.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumadda aysan soo saarin Siyaasadaha uu Dastuurka faray, isla-markaana aan la marin qodobada sare ku xusan oo sharuucda dalka ay waajibinayaan, hantidana lagu xaraashay qaabka sharci darro ah, lacagta ka soo xarootana ay dhamaanteed gashay jeebka Madaxweynaha oo aan lagu shubin Qasnada Dowladda.

“Madaxwaynaha oo ka soo jeeda bahda waxbarashada ayaa xaraashay dhukii u badka Soomaaliyeed wax ku baranayeen, Sida Jaamacada Umada, Schoolka Ilays iyo kuwo kale oo badan, waana ka xishoon waayey masiirka dhallinyarada Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Muqdisho Iyo Addis Ababa 12ka Janaayo 2025 Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa war-saxaafadeed wadajir ah kasoo saaray kulamadii galabta dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, kadib safar uu Xasan Sheekh galabta ku tegay magaalada Addis Ababa.

Ugu horeyn bayaanka ayaa lagu xusay muhiimada ay leedahay in la ixtiraamo madax-bannaanida labada dhinac, iyadoo la iska kaashanayo arrimaha amniga, la dagaalanka argagixisada, dhaqaalaha iyo xasiloonida Gobolka Geeska Afrika.

“Labada masuul ayaa iska xog-wareystay arrimo badan oo khuseeya labada dal iyo kuwa gobolka, waxayna wada-hadallo wax ku ool ah ka yeesheen xoojinta xiriirka walaalnimo ee ka dhexeeya labada dal,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray “Madaxdu waxay ku heshiiyeen inay dib u soo celiyaan oo ay kor u qaadaan xiriirkooda laba geesoodka ah, iyagoo matalaad diblomaasiyadeed oo buuxda u kala dirsanaya caasimadaha labada dal.”

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed waxay carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in ergadooda diblomaasiyadeed ay si dhow isaga kaashadaan arrimaha khuseeya labada dal.

“Hogaamiyayaasha ayaa xaqiijiyay in xasiloonida gobolka ay u baahan tahay iskaashi adag oo dhex mara labada dal oo ku dhisan is-aaminaad, kalsooni iyo ixtiraam,” ayaa lagu yiri bayaankaan goordhow ka soo baxay wadahadaladii Addis Ababa.

Madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyey in laga wada shaqeeyo sidii loo sii xoojin lahaa dadaallada lagu hagaajinayo xiriirka gobolka, kobcinta isfaham guud iyo horumarka la wadaago.

Sidoo kale, wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii wadi lahaa, loona xoojin lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka ee labada dal.

“Hogaamiyayaasha ayaa hoosta ka xariiqay khatarta halista ah ee khatarta sii kordheysa ee kooxaha xagjirka ah ee gobolka ka jira, waxayna isku raaceen in ay faraan hay’adaha amniga ee kala duwan in ay xoojiyaan iskaashiga horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.

“Madaxdu waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga labada dal. Waxay ku heshiiyeen in la ballaariyo isku xirka kaabayaasha dhaqaalaha si loo fududeeyo ganacsiga iyo barwaaqada la wadaago iyada oo loo marayo iskaashi dhaqaale oo xooggan,” ayaa lagu yiri bayaanka Xasan iyo Abiy.

Ugu dambeyntii, waxay Xasan iyo Abiy sheegeen inay go’an tahay xaqiijinta Baaqii Ankara, saaxiibtinimada iyo wadajirka labada dal. “Waxa kale oo ay isla garteen in la dardargeliyo wada xaajoodyada farsamo ee ku cad bayaanka,” ayaa lagu soo gabagabeeyey war-saxaafadeedka laga soo saaray kulankii Xasan iyo Abiy ay ku yeesheen Addis Ababa.

Sudan  12ka Janaayo 2025 Sudan 12ka Janaayo 2025 – Hogaamiyaha ciidamada sida militariga u tababaran ee Sudan, Mohamed Hamdan Dagalo (Hemedti), ayaa Sabtidii sheegay in ciidamada uu hoggaamiyo ee Dacmu Sariic ay gacantooda ka baxday magaalada caasimadda u ah gobolka Al-Jazira ee Wad Madani.

Tani waxay timid kaddib markii ciidanka milatariga iyo kooxaha hubeysan ee la xulufoobay ay gudaha u galeen magaalada kaddib in ka badan hal sano oo kooxda Dacmu Sariic ama RSF ay maamulaysay.

Kooxda RSF ayaa waxaa la rumeysan yahay in ay si xooggan taageero uga hesho Imaaraadka Carabta. Si kastaba, Abu Dhabi ayaa horey u beenisay dhammaan eedeymaha sheegaya inay hub siiyeen ciidamada RSF.

Mas’uuliyiinta dowladda ee daacad u ah ciidanka milatariga ayaa soo dhaweeyay dib-u-qabsashada magaalada, halka hogaamiyaha RSF, Mohamed Hamdan Daglo, uu ballan qaaday inuu magaalada dib ugu soo celin doono gacanta RSF.

“Maanta waxaan luminay wareeg ka mid ah dagaalka, balse ma lumin dagaalka oo dhan,” ayuu yiri Daglo isagoo kula hadlay ciidankiisa khudbad maqal ah oo uu jeediyay Sabtidii fiidkii, isagoo ballan qaaday “guul” ay gaari doonaan.

Dagaalka u dhaxeeya ciidanka Sudan iyo RSF

Dagaalka u dhexeeya ciidanka Sudan iyo RSF ama Dacmu Sariic ayaa billowday bishii April 2023, taas oo horseeday qaxii ugu ba’naa ee caalamka, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, iyo sidoo kale macaluul laga RSF ayaa gacanta ku dhigtay Wad Madani bishii Diseembar ee isla sanadkaas, iyadoo dadka ku nool magaalada ay ka barakaceen tobanaan kun oo ka mid ah, oo u cararay caasimadda Khartoum ee ku taalla waqooyiga.soo sheegay gobollo ka mid ah dalka.

Sabtidii hore, ciidamada Sudan ayaa warbixin ku sheegay in ay “u hambalyeynayaan shacabka Sudan” kadib markii “ciidamada qaranka ay gudaha u galeen magaalada Wad Madani subaxnimadii”.

Muuqaal ay milatarigu soo dhigeen baraha bulshada ayaa muujinayay dagaalyahanno ku sugan galbeedka Buundada Hantoub oo ku taal waqooyiga magaalada, kaddib markii ilo wareedyo milatari ay u sheegeen wakaaladda wararka ee AFP in ay “weerar ku qaadeen magaalada dhinaceeda bari.”

Afhayeenka dowladda ee daacadda u ah ciidanka, Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka Khalid al-Aiser, ayaa sheegay in ciidanku ay “xoreeyeen” magaalada.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sudan ayaa sidoo kale ku tilmaantay dhacdadan “guul weyn oo maanta la gaaray”, iyagoo sheegay in ciidanka milatarigu ay dib ugu laabteen gacanta ku haynta Wad Madani.

Dib-u-qabsashada Wad Madani

Inkasta oo ciidanka Sudan aysan wali ku dhawaaqin si buuxda inay magaalada qabsadeen, haddana waxay sheegeen inay xoreeyeen maxaabiis ay RSF ku heysteen magaalada, isla markaana ay hadda ku hawlan yihiin “nadiifinta kooxda fallaagada ah ee ku haray gudaha magaalada.”

Si madax bannaan looma xaqiijin karin xaaladda dhabta ah ee ka jirta magaalada, maadaama xayiraad dhanka isgaarsiinta ah ay muddo bilooyin ah saameysay deegaanka.

Wad Madani waa magaalo istaraatiiji ah oo ku taalla isgoyska waddooyinka muhiimka ah ee isku xira gobollo badan. Waa magaalo u dhow caasimadda Khartoum, taas oo ka dhigtay guusha Al-Jazira inay noqoto mid ka mid ah guulaha ugu waaweyn ee ciidanka milatariga tan iyo markii ay gacanta ku dhigeen magaalada mataanaha ah ee Omdurman ku dhawaad sanad ka hor.

Goob-jooge ku sugan bartamaha Wad Madani, oo magaciisa qariyay sababo amni awgeed, ayaa u sheegay AFP: “Ciidanka iyo dagaalyahannada la xulufoobay ayaa ku faafay waddooyinka magaalada oo dhan.”

Muqdisho 12ka Janaayo 2025  Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty ayaa Sabtidii sheegay in amniga Badda Cas uu ku xiran yahay oo kaliya dalalka xeebaha la leh, isagoo si cad u diiday joogitaan militari ama ciidan badeed oo ay ku yeeshaan dalalka aan xeebaha ku lahayn.

Hadalkaas ayuu ka sheegay shir jaraa’id oo ka dhacay Qaahira, kaas oo uu qabtay kaddib kulan saddex geesood ah oo uu la yeeshay dhiggiisa Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo kan Eritrea, Osman Saleh Mohammed, sida uu soo tabiyay telefishinka Al-Qahera.

Abdelatty ayaa intaas ku daray in kulanka lagu falanqeeyay qorshaha lagu qabanayo shirar wasiirro oo kale oo ka dhaca Muqdisho iyo Asmara, iyo sidoo kale diyaarinta shir madaxeed labaad oo madaxweyneyaash ah, kadib shirkii ugu horreeyay ee bishii October 2024 lagu qabtay Eritrea.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa caddeeyay in dalkiisu garab taagan yahay dowladda Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la ballaariyo awoodda dowladda si ay maamulkeeda ugu fidiso dalka oo dhan, loo xoojiyo ciidamada qaranka Soomaaliya, lagana hortago tallaabooyin hal dhinac ah oo khatar gelinaya midnimada dalka.

Abdelatty ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Masar ay qayb ka noqon doonto howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, kaddib markii Muqdisho iyo Midowga Afrika ay ansixiyeen. Si kastaba ha ahaatee, ma bixinin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan howlgalka, kaas oo la filayo inuu bilowdo horraanta 2025.

“Amniga Badda Cas waa arrin ku xiran oo keliya rabitaanka iyo wada shaqeynta dalalka xeebaha la wadaaga. Waxaa gabi ahaanba aan la aqbali karin in dalal kale ay ku yeeshaan joogitaan militari ama mid ciidan badeed meel aysan danaha ku lahayn,” ayuu Abdelatty ku yiri shir jaraa’idka.

Hadalka wasiirka arriimaha dibedda Masar ayaa loo arkaa in uu si toos ah ugu socdo Itoobiya, oo dooneysa in ay saldhig ciidan badeed ku yeelato xeebta Badda Cas, sida ku cad is-afgaradkii ay la gashay maamulka Somaliland, ee ay diiday Soomaaliya.

Itoobiya ayaa dooneysa in ay hesho dhul badeed ay ka dhigato saldhig ciidan badeed iyo dekad. Heshiiska ay Soomaaliya la gashay ee Ankara ayaa dhigaya in ay ka wada-hadlaan sidii loo siin lahaa marin badeed. Balse dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in kaliya ay ogolaan doonto marin badeed la xiriira ganacsi, ama dekad, oo aanay marnaba aqbali doonin saldhig ciidan badeed.

Bishii Agoosto 2024, Safiirka Soomaaliya ee Qaahira, Cali Cabdi Awaare, ayaa ku dhawaaqay in ciidamo iyo qalab ka socda Masar ay soo gaareen Muqdisho si ay isugu diyaariyaan ku biiritaanka howlgalka nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Warkan waxa si rasmi ah u xaqiijisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar.

Ciidamada cusub ayaa la filayaa inay beddelaan hawlgalkii ku-meel-gaarka ahaa ee ATMIS bishan, iyadoo loo diyaarinayo inay sii wadaan howlaha nabad-ilaalinta iyo taageerada dowladnimada Soomaaliya.

Muqdisho 12ka Janaayo 2025 Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo xalay ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda ay ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolka Galgaduud, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Howlgallada oo si gaar ah ah uga dhacay agagaarka magaalada Budbud iyo deegaannada ku xeeran ayaa waxaa lagu qaaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Mid kamid ah saraakiisha Macawiisleyda ee horkacaysay howlgalka, laguna magacaabo Cabdi Saneey ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in weerarkan ay qaadeen, kadib markii ay xog ku heleen in deegaannadaasi ay dhuumaaleysi ku yimaadeen horjoogayaal sar sare oo ka yimid dhinaca hore ee jiidda, kadibna ay gaarsiiyeen khasaare culus.

“Waxaan weerarnay Budbud iyo deegaanada hoos yimaada dadka shacabka ah ayaan xog ku helnay waana ku shaqo tegnay niman Amiiro ah oo meelaha dagaalka ka socda ka yimid oo nasiino soo doontay oo jooga xaafadahooda qaar kamid ah ayaa la arkay iyo maleeshiyaad kale oo difaac u ah, waana laga taqalusay” ayuu yiri Cabdi Saneey.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay khaarijiyeen ku dhowaad 10 xubnood oo uu isugu jiro horjoogayaal iyo maleeshiyaad la socday, isaga oo sheegay inay ugu tageen guryahoooda.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in aanay waxyeelo gaarsiin xaasaska iyo carruurta xubnaha Al-Shabaab ee ay weerarka kula beegsadeen aagga deegaanada Budbud.

“Khasaaraha gaaray aad ayuu u badan yahay, laakin hadda inta aan xaqiijin karo waa 8 iyo 9 meelahaas ayay u dhexeeyaan” ayuu mar kale yiri sarkaalka u hadlay Macawiisleyda.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Xaasaskooda iyo ilmahooda waa nabad gelinay, waa dad birimageedo ah, waana dad kamid ah kuwa uu qaranka uu shaqeyn doono oo masaakiin ah”

Xaaladda ayaa weli kacan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ay guulaha ka sheegeen ciidamada huwanta.

WARARKA MAANTA 11ka Janaayo 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa noqday Madaxweynaha ugu musuqmaasuqa badan #Soomaaliya Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diidan inay Soomaaliya nabad noqoto Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammad Dastuuriga ah oo beddelay dastuurkii lagu soo doortay Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo #Maqaamka #Muqdisho oo barac iyo hoog ku sameeyey shacabka reer #Muqdisho  Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa qabuuraha iyo hantida dadweynaha iibiyey  Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa qoysaskiisa u xiray inay baad iyo gunno saartaan ganacsiyo kala duwan? Yaa ilmihiisa u magacaabay jaggooyin aysan wax xaq iyo aqoon u lahayn Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa diiday inay labada aqal iyo dowladda wadashaqeeyaan Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa sidan u hadlaaya oo haddan sheegaaya fashilka dowladdiisa  Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Ha Wiqleyso! 

Muqdisho 11ka Janaayo 2025 Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu maanta u ambabaxo magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu ka furmi doono wadahadallo u dhexeeya labada dal.

Wadahadalladan ayaa la filayaa inay diiradda saaraan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, oo saldhig u ah nabadda iyo horumarka gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la kulmi doona Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Axmed, si ay uga wada hadlaan dhowr ajande muhiim ah, oo ay ka mid yihiin Dardargelinta Heshiiskii Ankara, iyo doorka ka qeyb galka Itoobiya ee howlgalka cusub ee nabad ilaalinta Soomaaliya.

Markii ugu dambeysay oo madaxweyne Xasan Sheikh uu tagi Addis Ababa waxay ahayd 17-kii bishii labaad ee sannadkii hore, markaas oo ciidamada Itoobiya ay isku dayeen in ay ka hor istaagaan ka qeybgalka shirka Midowga Afrika oo ka socday halkaas.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka qeyb galayay shir madaxeedka 37-aad ee Midowga Afrika ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada ammaanka Itoobiya ay isku dayeen in ay ka hor istaagaan inuu ka dhoofo hotelka uu ka degenaa magaalada Addis Ababa, taasoo ku qasabtay inuu raaco kolanyada madaxweynaha Jabuuti.

Labada dal ayaa xilligaas is adag isugu hayay heshiiska arrimaha badda ee ay Itoobiya la gashay Somaliland, kaasoo dowladda Soomaaliya ay si weyn uga carootay, keenayna inuu xiriirka labada dal aad u xumaado.

Jubbaland 11ka Janaayo 2025 Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo ku xigeenkiisa Maxamuud Sayid Aadan ayaa qorsheynaya in awood ciidan ay kula wareegaan gobolka Gedo degmooyinka ay ka joogaan maamullada taabacsan dowladda federaalka.

Qorshaha Jubbaland ay dib ugu qabsaneyso gobolka Gedo ayaa gabagabo ku sii dhow, sida ay ilo wareedyo kale duwan u xaqiijiyeen Caasimada Online, waxaana socda qorshe ay Jubbaland ku qoraneyso ciidamo u dagaalama.

Dowladda Soomaaliya ayaa gobolka Gedo u dirtay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Jeneraal Cabdullahi Fartaag, balse seddax toddoobaad kadib, wuxuu shalay Baardheere diyaarad ka raacay isagoo aan wadin wax natiijo ah.

Degmooyinka Garbahaarey, Baardheere, Beledxaawo iyo Buurdhuubo ayaa ku jira gacanta dowladda federaalka, Axmed Madoobe ayaa qorsheynaya in awood ciidan uu kula wareego degmooyinkaas.

Howlgalka xoogiisa waxaa laga abaabulayaa degmada Doolow oo Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas Maxamuud Sayid Aadan iyo wasiirka amniga Jeneraal Yuusuf Dhuumaal ay joogaan, waxayna halkaas ku diyaariyeen ciidan ay qalabeyntiisa ka qeyb qaadatay Itoobiya.

Sidoo kale waxaa jira qorshe si hoose ciidan beeleed looga qorayo degmooyin ay ugu horeyso Garbahaarey, waxaana qorshahaas dejiyey Axmed Madoobe, halka ciidankii dowladda federaalka ku jebiyey Raaskambooni ay ku diyaarsan yihiin Kismaayo iyo degmooyin kale.

Sida aan xogta ku heleyno waxaa gabagaba ku dhow qorshaha uu dejiyey Axmed Madoobe ee gobolka Gedo uu dib ugu qabsanayo, halka dowladda federaalka ay niyad jabtay markii looga adkaaday dagaaladii Raaskambooni, Kulbiyow iyo Doolow.

Dowladda Federaalka ayaa la sheegay inay qorsheyneyso in gobolka Gedo ay ku qabato doorasho lagu soo dhisayo maamul cusub oo Jubbaland yeelayo, kaas oo aqoonsi ka heli doona dowladda, iskuna balaari doona dhulka uu hadda xukumo ee laga qaadi waayey Axmed MadQorshaha dowladda waxaa ka dhiman ciidan, mana jiro ciidan ay dowladda federaalka ilaa hadda geysay Gedo, si loo meel-mariyo ajendaha ay wadato, halka Axmed Madoobe uu diyaarinayo awood ciidan oo gobolka Gedo uu ku qabsanayo.oobe.

Suuriya 11ka Janaayo 2025  Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkey Hakan Fidan, ayaa Jimcadii si cad u sheegay in ciidamada Faransiiska aanay wax door ah ku yeelan karin arrimaha Suuriya, isagoo hoosta ka xariiqay in Ankara ay kaliya wadahadal la leedahay Mareykanka.

Tani waxay timid iyadoo Mareykanku isku dayayo inuu ka hortago weerar milatari oo ay Turkigu ku qaado dagaalyahanada Kurdish-ka ee ku sugan waqooyiga Suuriya.

Fidan ayaa ku eedeeyay Faransiiska inuu iska indhatiray walaacyada amni ee Turkiga, isagoo ugu baaqay Paris inay dib u celiso jihaadiyiinta Faransiiska ah ee ku jira xabsiyada Suuriya.

Dalal badan oo caalami ah ayaa isku dayaya inay ka dhaadhiciyaan Turkey, oo ah xubin ka tirsan NATO, inuu ka fogaado kordhinta weerarada ka dhanka ah xoogagga SDF. Kooxdan oo ay hogaamiyaan Kurdish-ka ayaa kaalin muhiim ah ka qaadatay taageeridda Mareykanka si looga adkaado kooxda Daacish sanadkii 2019.

Inkastoo reer Galbeedka ay SDF u arkaan koox muhiim ah oo ka hortagaysa soo laabashada jihaadiyiinta, Turkigu wuxuu u arkaa inay khatar ku tahay amnigiisa qaranka sababo la xiriira xiriirka ay la leeyihiin Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan (PKK), oo muddo dheer dagaal kula jiray dowladda Turkiga.

Mar wax laga weydiiyay suurta-galnimada in ciidamo Mareykan ah iyo Faransiis ah la geeyo waqooyiga Suuriya si loo yareeyo xiisadda, Fidan ayaa si cad u sheegay in Faransiisku aanay wax door ah ku lahayn.

“Mareykanku waa dalka kaliya ee aan ka wadahadalno arrimaha Suuriya,” ayuu ku yiri wariyeyaasha isaga oo jooga Istanbul.

“Waddamada isku dayaya inay danahooda ka fuliyaan Suuriya iyagoo isku qarinaya Mareykanka, si dhab ah uma tixgelinno.”

Khalaafka Faransiiska iyo Turkiga ee maxaabiista jihaadiyiinta ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska, Jean-Noel Barrot, ayaa warbaahinta u sheegay inuu la hadlay Fidan, isagoo u sheegay in Turkiga iyo Faransiiska ay wadaagaan ujeeddo ah “in Suuriya ay noqoto dal xasilloon, madax-bannaan, oo mideysan.”

Si kastaba ha ahaatee, Fidan ayaa Faransiiska ugu baaqay inay mas’uuliyad ka qaataan muwaadiniintooda jihaadiyiinta ah.

“Waxa Faransiiska looga baahan yahay waa inay dib u soo celiyaan muwaadiniintooda, ku xiraan xabsiyada dalkooda, oo maxkamad ku soo taagaan,” ayuu yiri.

Wuxuu ku eedeeyay Faransiiska inay ku qaldan yihiin ku tiirsanaanta kooxaha Kurdish-ka, sida YPG, oo ah laf-dhabarta SDF, si ay u hayaan maxaabiista jihaadiyiinta ah.

“Waxay ku qaldan yihiin inay taageero ka helaan koox argagixiso ah iyagoo u adeegsanaya sidii xabsiyo dibadda ah.”

Fidan ayaa ku adkaystay in Turkiga uu doonayo keliya inuu xasillooni ka sameeyo Suuriya, balse reer Galbeedka ay danahooda ka hormariyaan walaacyada Turkiga.

“Mar walba waxay soo bandhigaan waxyaabaha iyaga danahooda u ah, mana qaadaan wax tallaabo ah oo ku saabsan walaacyadeena,” ayuu yiri.

Barrot ayaa dhinaciisa sheegay in jihaadiyiinta ajnabiga ah “lagu sii hayo halka ay dambiyada ka galeen,” oo ay hoos joogaan ilaalinta Kurdish-ka.

Wuxuu intaas ku daray in Faransiisku isku dayi doono inuu dib u soo celiyo carruurta muwaadiniintooda ee ku lug yeeshay dagaalyahannada jihaadiyiinta ah.

Bishii hore, Fidan ayaa ku dhaleeceeyay reer Galbeedka inay taageero siinayaan SDF kaliya si ay uga hortagaan in jihaadiyiintooda u dhashay aysan dib ugu soo noqon dalalkooda, taas oo uu ku tilmaamay siyaasad ku saleysan dano gaar ah.

Somaliland 11ka Janaayo 2025 Guddoomiyaha xisbiga Waddani ee Somaliland, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa si cad u beeniyay warar sheegaya inuu si qarsoodi ah ula kulmay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, intii uu ku sugnaa booqasho dhowaan uu ku tagay Jabuuti.

Hirsi ayaa ku tilmaamay eedahan kuwo aan sal iyo raad lahayn, isagoo ku adkeystay in xisbigiisu ka go’an tahay hoggaamin hufan oo cad.

“Ma jirto kulan aan la yeeshay madaxweyne Xasan Sheekh intii aan ku sugnaa Jabuuti,” ayuu yiri. “Haddii ay jiri lahayd wax wadaxaajood ah, waxay noqon lahaayeen kuwo waafaqsan siyaasadda xisbiga oo si furan loo qaban lahaa. Xisbigayagu uma shaqeeyo hab qarsoodi ah.”

Wararka ku saabsan kulankan qarsoodiga ah ayaa caro ka dhaliyay caasimadda Somaliland, iyadoo dad mudaharaadayay ay ku eedeeyeen Xirsi inuu wiiqay dadaalka Somaliland ee madaxbannaanida.

Dhaleeceeyayaashu waxay sidoo kale dhaliileen safarkiisa Jabuuti, waddan ay Somaliland xiriir adag kala kulantay sanadkii la soo dhaafay.

Sidoo kale, waxay ku andacoodeen in Xirsi uu ka baxay xuduudaha doorarkiisa guddoomiye xisbi, iyagoo ku tilmaamay safarkiisa mid ah “diblomaasiyadeed oo aan sharci ahayn,” oo sida caadiga ah u taalla Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

“Ma ahan shaqadiisa inuu u dhaqmo sida diblomaasi,” ayuu yiri qof mudaharaadayay.

Xirsi ayaa door muhiim ah ka ciyaaray furitaanka wada-xaajoodkii rasmiga ahaa ee ugu horreeyay ee dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya xilligii uu ka tirsanaa maamulkii Madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo.

Wada-hadalladan ayaa looga gol lahaa in lagu xalliyo muranka dheer ee ka taagan madax-bannaanida Somaliland ay ku dhawaaqday.

Si kastaba ha ahaatee, in ka badan toban sano oo wadaxaajood aan guul lahayn kaddib, dad badan oo reer Somaliland ah ayaa wada-hadalladan u arka kuwo aan faa’iido lahayn.

Dhaleeceeyayaasha waxay ku doodaan in wada-xaajoodkani aysan wax horumar ah ka keenin arrinta, waxaana loo arkaa mid mashquulinaya siyaasadda gudaha ee Somaliland.

Muqdisho 11ka Janaayo 2025 Xamas ayaa sameyneysa soo rogaal celin weyn, iyadoo ciidan cusub soo xero-gelineysa, sida laga soo xigtay warbixin uu baahiyay taleefishinka Channel 12 ee Israel, taas oo uu sidoo kale xaqiijiyay wargeyska The Jerusalem Post.

Sida ay sheegtay Channel 12, Xamas iyo xoogagga kale ee Ururka Islamic Jihad ayaa tiradooda hadda lagu qiyaasay inta u dhaxaysa 20,000-23,000 dagaalyahan. Tiradan cusub ayaa imaneysa ayada oo dhowaan tirada dagaal-yahanada lagu sheegay 12,000.

Tiradan cusub ayaa sidoo kale su’aal gelineysa sheegashadii Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyo ciidamada difaaca Israel (IDF) oo sheegtay in inta u dhaxaysa 17,000-20,000 dagaalyahan oo Xamas iyo Islamaic Jihad ah ah lagu dilay dagaalka.

15-kii bilood ee la soo dhaafay, waxaa jiray farqi dhowr kun ah oo u dhexeeyay tirakoobka IDF iyo Netanyahu, taas oo keentay shaki ku saabsan saxnimada qiyaasaha.

Bishii Juun, IDF waxay intaas ku dartay in inta u dhaxaysa 14,000-16,000 dagaalyahan oo Xamas ah lagu dhaawacay dagaalka.

Xisaabo aan is-qabanayn

Bishii Oktoobar 2023, IDF waxay sheegtay in guud ahaan ciidamada Xamas ay gaarayeen 25,000, laakiin tirakoobyada hadda la soo bandhigay ayaa u muuqda kuwo aad uga duwan – Haddii aanay Xamas ciidan cusub ku beddelin kuwii hore.

Xogta qaar waxay tilmaamayaan in, inkasta oo IDF markii hore ay ku qiyaastay 25,000, tirada dagaalyahannada Xamas ka hor dagaalka ay gaari karto 30,000 illaa 40,000. Warbixin uu The Jerusalem Post helay ayaa tilmaamay in tirada 40,000 ay u badan tahay inay sax tahay.

Haddii xogtan sax tahay, waxay muujineysaa in inta badan dagaalyahannada Xamas ay weli joogaan, laakiin sidoo kale ay kooxda ku kordhisay dagaalyahanno cusub oo aad u badan.

Dib u soo kabashada Xamas

Bishii Juun, warbixinnadii ugu horreeyay ayaa sheegay in Xamas ay dib ugu soo kabaneyso awooddeeda kadib markii ciidamada IDF ay ka baxeen waqooyiga Gaza bilihii Janaayo iyo Febraayo, iyo sidoo kale magaalada Khan Yunis 7-dii April.

Haddii xogta Channel 12 sax tahay, waxay muujineysaa in 9,000 dagaalyahan oo Xamas ah ay u kala qaybsan yihiin waqooyiga iyo koonfurta Gaza, halka Islamic Jihad ay haystaan 4,000 dagaalyahan, iyo 7,000-10,000 dagaalyahan kale oo si aan rasmi ahayn loo abaabulay ay ku faafsan yihiin gudaha Gaza.

Si kastaba ha ahaatee, tirakoobyadani waxay ka hor imaanayaan warbixinnada ciidamada Israel ee dhowaan la siiyay warbaahinta, kuwaas oo tilmaamay in waqooyiga Gaza inta badan laga xoreeyay dagaalyahannada.

Ilo-wareedyo ayaa u sheegay The Jerusalem Post in tirada guud ee dagaalyahannada Xamas ay weli tahay mid aan caddeyn, taasi oo ka dhigan in Israel aysan ogeyn goorta uu dagaalku dhammaan karo ama laga adkaan karo Xamas.

WARARKA MAANTA 10ka Janaayo 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa diidan inay Soomaaliya nabad noqoto Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammad Dastuuriga ah oo beddelay dastuurkii lagu soo doortay Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo #Maqaamka #Muqdisho oo barac iyo hoog ku sameeyey shacabka reer #Muqdisho  Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa qabuuraha iyo hantida dadweynaha iibiyey  Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa qoysaskiisa u xiray inay baad iyo gunno saartaan ganacsiyo kala duwan? Yaa ilmihiisa u magacaabay jaggooyin aysan wax xaq iyo aqoon u lahayn Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa diiday inay labada aqal iyo dowladda wadashaqeeyaan Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa sidan u hadlaaya oo haddan sheegaaya fashilka dowladdiisa  Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Ha Wiqleyso! 

Somaliland 10ka Janaayo 2025 Waxa si rasmi ah xilalka loogu dhaariyay 28 wasiir oo uu dhawaan soo magacaabay Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.

Dhaartan oo uu sida sharciga ah qaadayay Guddoomiyaha Maxkamada Sare Aadan Xaaji Cali, ayaa markii ay soo gaba gabowday uu Madaxweyne, Cirro, wasiirada ku guubaabiyay in ay dadaalaan oo ay fuliyaan ballanqaadyadii xukuumada.

“Dadku waxa ay inaga sugayaan adeeg kasta oo aynnu u ballanqaadnay oo ay xukuumadda ka filayaan, haddii ay tahay waxbarasho, Biyo, caafimaad, waddo iyo haddii ay caddaalad tahayba, adeegyadaasna xafiisyadiina ayaa ka masuul ah, shacabkuna wuu ina eegayaa, wuu ina qiimaynayaa, wuuna inala xisaabtamayaa” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.

Madaxweynuhu waxa uu wasiirada u sheegay in la doonayo in isbadalkii uu balanqaaday xiligii doorashadu uu muuqdo oo ay wax qabad buuxa la yimaadaan, isaga oo sheegay in ay dadka doorasho dambe ka sugayaan, taasina ay ku iman karto uun hadii ay fuliyaan wixii ay ballanqaadeen.

Xukuumada oo hada joogtay muddo bil ku dhow ayaa waxa laga sugayaa waxqabadyo ay sheegeen in ay fulindoonaan boqolka cisho ee ugu horeeya, kuwaasi oo qaarna ay ku jireen ballanqaadyadii xiligii ollolaha, qaarna ay sheegeen in ay imika qorshaynayan.

Madaxweyne Cirro ayaa ku olloleeyay in uu kor u qaadi doono cadaalada iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, in uu horumarindoono adeegyada asaasiga ah, kaabayaasha dhaqaalaha iyo xidhiidhada arrimaha dibadda ee Somaliland.

Jubbaland 10ka Janaayo 2025  Golaha Wasiirrada Jubbaland oo maanta ka shiray xaaladda uu maamulkaasi ku jiro ayaa war cusub ka soo saaray duulaanka ay dowladda federaalku ku heyso maamulkaas, iyagoo diiradda saaray afar qodob oo kala arrimaha amniga, gargaarka, mashaariica horumarineed iyo isku socodka dadwaymaha.

Hoos ka akhriso qodobada war-xaafadeedka ka soo baxay Jubbaland oo dhameystiran:

AMNIGA

  1. Amniga degaanada Jubaland waxaa masuul ka ah Hay’ addaha Amniga iyo
    Ciidamada Jubaland, waxayna masuuliyad ka saarantahay badqabka shacabka iyo difaaca deegaanada Jubaland.
  2. Dowladda Jubaland waxay cambaareyneysaa faragelinta ciidan iyo duulaanka qaawan ee lagu soo qaaday Jubaland, gaar ahaan deegaanada nabdoon ee Dowladda Jubaland, sida Raaskaambooni, Kulbiyow iyo Doolow.
  3. Dowladda Jubaland waxay cambaareyneysaa ku lug lahaanshaha dhacdooyinkii u danbeeyay Ciidamada Gorgor iyo Haramacad ee ay soo tababartay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
  4. Dhismaha Ciidamadaas waxaa Soomaaliya ka saaciday Turkiga, waxaana loo adeegsaday in lagu burburiyo Dowlada Jubaland, isla markaana lagu carqaladeeyo nabadgalyada deegaano xor ahaa in ka badan 13kii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo ay nasiib darro tahay in ilaa hada ay ku howlan yihiin in deegaano hor leh oo Jubaland ah dagaalo ka ridaan.

GARGAARKA

1. Golaha Wasiirada Dowladda Jubbaland waxay sidoo kale cambaareynayaan is hortaga iyo siyaasadeynta lagu sameeyey Gargaargkii Bini’aadinimo ee

loogu talagalay shacabka reer Jubbaland, iyadoo si ulakac ah loo siyaasadeeyay gargarka iyo tageerada beesha calamka ugu talagashay shacabka Soomaaliyeed, isla markaana lacagaha gargaarka ee loogu talagalay loo weeciyay in lagu abaabulo dagaalo dhiig badan ku daato oo ka dhaca deegaanada Jubaland.

HAY’ADDA DUULISTA HAWADA

  1. Golaha Wasiirada Dowladda Jubbaland waxaa u cadaatay Hay’ ada Duulista Hawada ee Soomaaliya in ay siyaasadaysay dhamaan duulimaadyadii garoomada Jubbaland, iyadoo Dowladdu ay joojisay dhammaan duulimaadyadii ra’yidka ahaa ee garoomada Jubaland, kuna cadaadisay shirkadaha diyaaradaha in ayna u safri karin Magaalooyinka Jubaland.
  2. Dowladda Federaalka waxaa ay sidoo kale u isticmaashay diyaaradaha shacabka inay ku daabusho hub iyo ciidan, iyagoo geeyay deegaano kala duwan oo Jubaland kamid ah, si loo burburiyo maamulada sharciga ahaa ee deegaanadaas ka jiray.
  3. Waxaa nasiib darro ah in boqolaal shacabka reer Jubaland ah la dhibaatoonayaan xanibaada diyaaradaha, iyagoo u safri lahaa dalka gudahiisa iyo dibadaba.

MASHAARIICDA HORUMARINEED

  1. Dowladda Federaalka ah waxay hakisay qaar kamid ah mashariicda hormarineed ee ka socday deegaanada Jubaland, iyadoo taasi ay wiiqayso adeegyadii bulshada iyo dib usoo kabashada dalka.
  2. Dowladda Federaalku waxay u wareejisay meelo kale oo dalka kamid ah Mashariic ay lahayd Dowladda Jubaland, taas oo ay ka leedahay dano siyaasadeed.
  3. Waxaa Golaha Wasiirrada ay sidoo kale soo bandhigeen in qaar kamid ah mashaariicda Jubaland loo adeegsaday dano shaqsi ah, isla markaana lacagahii loogu talagalay ay la bexeen shaqsiyaad ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Muqdisho 10ka Janaayo 2025 Maxamed Cabdi Xasan Afweyne oo ahaa ganacsade loo heystay burcadnimo ayaa in ka badan 10 kadib maanta dib ugu soo laabtay dalkiisa hooyo.

Ninkaan iyo madaxweynihii hore ee maamulkii Xibin iyo Xeeb ee Cadaado ka dhisnaa waxaa qabatay oo xiratay dowladda Belgium, waxaana loo heystay inay ku lugyeesheen falal burcad-badeednimo.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ganacsade Afhweyne wuxuu ka shaqeynayay howlo kalluumeysi markii la qabtay.

Siideyntiisa waxaa gacan ka geystay Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Belgium & Midiwga Yurub, Ambassador Yoonis Yassin Hashi (Ooga-Adde).

Danjire Yoonis ayaa dib u furay kiiska, maadaama xukun tobanaan sano ah lagu riday, waxaana sanadihii dambe booqashooyin joogto ah loogu tagi jiray Maxamed Afweyne, goobta uu ku xirnaa in ka badan seddex sannadood.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ugu dambeyn la xaqiijiyay in Maxamed Afweyne uu yahay qof aan dambi lahayn.

11 sano ayuu ku jiray xabsiga, Afweyne ayaa maalin Sabti ah 2013-kii lagu xiray garoonka diyaaradaha magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Saraakiil dharcad ah ayaa ka dambeeyay soo qabashadiisa, kadib markii ay ka dhaadhiciyeen in ay ka qeyb qaadanayaan barnaamij weyn laga sameeyey burcadbadeedka Soomaalida.

Maxkamad ayaa la hor geeyey dacawad oogayaashii xligaas ayaa sheegay in ay aaminsan yihiiin in uu ka dambeeyay Markab Belguim-ka laga leeyahay oo la qabsaday sanadkii 2009-kii.

Xukunkii lagu riday Afweyne ayaa ahaa 30 sano oo xarig ah, kadib markii lagu eedeeyay burcad badeednimo, balse 11 sano kadib waxaa maanta laga soo dejiyey Muqdisho.

UAE 10ka Janaayo 2025  Imaaraatka Carabta ayaa xabsiga dhigay wiil uu dhalay hogaamiyihii ruuxiga ahaa ee ururka Ikhwaanul Muslimiinka Sheekh Yuusuf Al-Qaradawi kadib markii laga soo gacan geliyey Lubnaan, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Jimcaha maanta ah.

Abdul Rahman al-Qaradawi, oo lagu xiray Lubnaan ka dib markii uu dalka uga soo gudbay dhanka Suuriya December 28, ayaa wajahaya eedeymo ah “dhaq-dhaqaaqyo ujeedadoodu tahay in lagu kiciyo laguna waxyeeleeyo ammaanka dadweynaha”, wakaaladda wararka dalka ee WAM ayaa sidaas sheegtay.

Waxay intaas ku dartay in Qaradaawi xabsiga la dhigay.

Lubnaan ayaa Talaadadii ku dhawaaqday in ay ogolaatay in ay masaafuriso Qaradaawi, oo sidoo kale laga baadi goobayo dalkiisa hooyo ee Masar.

“Imaaraadka waxa uu si aan gabasho lahayn ugu celinayaa mowqifkiisa adag ee ka dhanka ah cid kasta oo bar-tilmaameedsata amnigeeda iyo xasiloonideeda, waxayna xaqiijinaysaa inay si hagar la’aan ah u baacsan doonto shaqsi kasta oo khatar ku ah amniga qaranka, ayna qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka sharciga ah ee lagama maarmaanka ah,” ayey tiri WAM.

Xariga ayaa lala xiriiriyay xukunka Masar ay isagoo maqan ku riday Qaradaawi ee ku xukumay shan sano oo xarig ah isagoo lagu eedeeyay “in uu ka soo horjeedo dowladda iyo kicinta argagixisada”, ayuu sarkaalka hadalkiisa ku daray.

Tan iyo markii la xiray 28-kii bishii December, Masar iyo Imaaraadka Carabta ayaa labadaba codsaday in loo soo gacan geliyo, sida uu sheegay sarkaal kale oo garsoorka ka tirsan oo diiday in magaciisa la shaaciyo.

Wasiirka Warfaafinta ee Lubnaan Ziad Makary oo shir jaraa’id qabtay Talaadadii ayaa sheegay in Golaha Wasiirada ay go’aansadeen in Qaradaawi loo gacan geliyo Imaaraadka.

Ethiopia 10ka Janaayo 2025  Itoobiya waxaa ka go’an inay sii waddo dadaalkeeda sharci iyo diblomaasiyadeed ee lagu xaqiijinayo helitaanka bad, waxaa sidaas yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya Nebiyou Tedla.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka Itoobiya ee ENA, Nebiyou ayaa Turkiga uga mahad celiyay fududaynta heshiiskii Ankara ee Itoobiya iyo Soomaaliya ay ku dhammeeyeen khilaafkooda.

Wuxuu kaloo xaqiijiyay in Itoobiya ay si firfircoon uga qayb qaadanayso wada-hadallada farsamo ee lagu qeexayo habka ay Soomaaliya ugu ogolaan doonto Itoobiya marin bad.

Wuxuu sheegay in labada dal ay ka sameeyeen “horumar la taaban karo” dadaalka lagu xallinayo khilaaf ka dhashay heshiiskii Itoobiya ay la gashay maamulka Somaliland.

Sida uu dhigay heshiiska muranka dhaliyey, Somaliland waxay ka kiraynaysaa Itoobiya 20-kilometer (12-mile) oo dhul xeebeed ah, si ay uga samaysato saldhig ciidamada badda iyo dekad. Itoobiya oo dadkeeda lagu qiyaaso in ka badan 120 milyan, waa dalka ugu dadka badan adduunka ee aan bad lahayn.

Taas beddelkeeda, Itoobiya waxay aqoonsan lahayd madax-bannaanida Somaliland.

Hase yeeshee, heshiiskii ka dhacay Ankara ayey Itoobiya si rasmi ah ugu aqoonsatay madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, ayada oo Soomaaliya ay ballan-qaaday in ay Addis-Ababa u ogolaato in ay hesho marin badeed.

“Labada dal waxay ku heshiiyeen in ay si dhow uga wada shaqeeyaan sidii loo dhammeystiri lahaa heshiisyo ganacsi oo ay wadaagaan faa’iidooyinkooda, heshiisyadan oo lagu gaari doono qaab laba-geesood ah, ayna ku jiraan qandaraasyo, kirayn, iyo habab kale oo la mid ah, oo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya u ogolaanayo inay hesho marin joogto ah oo sugan oo nabdoon oo ay ku gaarto badda, taasi oo hoos imaneysa maamulka qarannimo ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri heshiiskii Ankara.

Waxay ku heshiiyeen in ay billaabaan wada-xaajoodyada farsamo oo daacad ah oo ku saleysan arrimahan, oo la billaabayo wax aan ka dambeyn bisha Febraayo 2025, iyadoo ay fududeynayso Turkiga, lana dhammeystiro heshiiska muddo afar bilood gudahood ah.

Maraykanka 10ka Janaayo 2025  Laba dab oo waaweyn oo gubay xaafado dhan, islamarkaana ku barakciyey kumannaan qof magaalada Los Angeles ee Mareykanka ayaa wali si buuxda aan loo xakameyn Khamiistii, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

Dadka deegaanka oo weli naxdin ku jira ayaa billaabay inay dib ugu soo laabtaan burburka guryahooda si ay uga baaraan wixii uga haray.

Goobo badan oo ka mid ah magaalada labaad ee ugu weyn Mareykanka ayaa u muuqday kuwo cidlo ah, iyadoo dadkii halkaas ku noolaa lagu amray inay ka barakacaan. Qiiq madow ayaa cirka qariyay, urtiisana waxay ku faaftay meelo badan oo magaalada ah.

Hawlgallo waaweyn oo dab-damis ah ayaa galay maalintii saddexaad, waxaana taageerayey diyaarado biyo ku daadinaaya dabka, taas oo suurtagashay markii dabeylaha xoogga badnaa yaraadeen.

Iyadoo xaaladdu kacsan tahay, dhacdooyin boob ah ayaa soo baxay, waxaana ugu yaraan 20 qof loo xiray falalkaas, sida ay sheegeen saraakiisha.

Dabka ugu weyn, oo ku faafay 6,900 hektar oo ka mid ah xaafadda Pacific Palisades oo ah meel ay dadka qaniga ah deggan yihiin, ayaa loo arkay “mid ka mid ah musiibooyinka ugu burburka badan taariikhda Los Angeles,” sida ay sheegtay madaxa dab-damiska magaalada, Kristin Crowley.

Dab kale oo ku baahay xaafadda Altadena, oo gubay 4,000 hektar islamarkaana sababay dhimashada ugu yaraan shan qof, ayaa isna wali “aan la xakameynin,” inkasta oo dabkaasi uu yaraaday markii dabeylaha ay yaraadeen, sida uu sheegay madaxa dab-damiska gobolka, Anthony Marrone.

Kalen Astoor, oo ah haweeney 36-jir ah oo xafiis sharci ka shaqeysa, ayaa Khamiistii dib ugu soo laabatay xaafadihii ku burburay dabka si ay u aragto xaaladda. Guriga hooyadeed ayaa ka badbaaday dabka, inkastoo guryo badan oo ku dhowaa ay dhulka la galeen.

“Muuqaalku hadda wuxuu u egyahay dhimasho iyo burbur,” ayay tiri. “Ma hubo in dadku si sahlan ugu soo laaban karaan noloshoodii hore.”

Dabkaas ayaa sidoo kale dib uga kacay meel u dhow Mount Wilson, oo ah goob ay ku yaallaan xarumo taariikhi ah iyo qalab muhiim u ah isgaarsiinta magaalada.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jiray war wanaagsan oo ku saabsan Hollywood, oo ah hoyga taariikhiga ah ee wax soo-saarka filimada Mareykanka. Amaradii barakaca ee lagu soo rogay dadka ku noolaa meel u dhow dabka “Sunset Fire” ayaa la qaaday Arbacadii. Tani waxay keentay in dadka deegaanka halkaas ay dib ugu soo noqdaan.

Dabka ku faafaya dabeylo gaaraya ilaa 100 mayl (160 kiiloomitir) saacaddii tan iyo Talaadadii ayaa dhulka la simay in ka badan 2,000 dhisme oo ku yaalla magaalada Los Angeles, kuwaas oo u badan guryo qaali ah oo malaayiin doolar lagu qiimeeyay.

Sawirro laga qaaday dusha sare Khamiistii ayaa muujiyay xaafado dhan oo gubtay, iyadoo muuqaalladaas argagax ku abuurayeen malaayiin qof oo ku nool magaalada Los Angeles iyo daafaha dunida.

Madaxa dab-damiska magaalada, Kristin Crowley, ayaa sheegtay in qiyaas hordhac ah oo ku saabsan guryaha ku burburay xaafadda Pacific Palisades ay muujineyso kumanaan.

Ilaa 180,000 qof oo ku nool Los Angeles ayaa weli ku hoos jira amarro barakac oo degdeg ah.

Mas’uuliyiinta ayaa ballan qaaday inay si adag ula dagaallami doonaan kooxaha boobaya guryaha looga guuray sababo la xiriira dabka iyo barakaca.

Xaafadda xeebeed ee Santa Monica waxaa lagu soo rogay bandow ka bilaabanaya qorrax-dhaca ilaa waaberiga, kaas oo lagu xakameynayo dhaq-dhaqaaqa goobaha barakaca.

Dhinaca Altadena, dadka deriska ah ayaa isu beddelayay ilaalinta guryahooda, iyagoo xaafadaha ka samaynaya roondo.

Sheriff-ka Gobolka Los Angeles, Robert Luna, ayaa sheegay in ilaa 20 qof loo xiray boob, iyadoo tiradaas la filayo inay kororto.

Warbixin ka soo baxday Xarunta Cimilada Qaranka ayaa sheegtay in “dababka ay u badan tahay inay sii ballaartaan,” iyadoo khataraha dab cusub la filayo ay jiraan illaa Jimcaha maanta ah.

WARARKA MAANTA 9ka Janaayo 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammad Dastuuriga ah oo beddelay dastuurkii lagu soo doortay  Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo #Maqaamka #Muqdisho oo barac iyo hoog ku sameeyey shacabka reer #Muqdisho  Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa qabuuraha iyo hantida dadweynaha iibiyey  Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa qoysaskiisa u xiray inay baad iyo gunno saartaan ganacsiyo kala duwan? Yaa ilmihiisa u magacaabay jaggooyin aysan wax xaq iyo aqoon u lahayn Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa diiday inay labada aqal iyo dowladda wadashaqeeyaan Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa sidan u hadlaaya oo haddan sheegaaya fashilka dowladdiisa  Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Ha Wiqleyso! 

Beledweyne 9ka Janaayo 2025 Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed ayaa maanta kulan kula qaatay gudaha magaalada Baledweyne qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka beelaha dega gobolka Hiiraan.

Wasiirka ayaa kala hadlay Odayaasha beelaha kala duwan ee dega gobolka Hiiraan iney ka qeyb qaataan dadaalada dowladda Fedaraalka ay ou dooneyso iney ku hagaajiso amaanka guud ee Baledweyne.

“Waxaa naga go’an inaan si wadajir ah u soo celino amniga magaalada Baledweyne, dhamaan beelaha dagan magaaladan waa iney si wadajir ah gacmaha isku qabsadaan oo ay dowladda kala shaqeyaan soo celinta iyo hagaajinta amniga Beledweyne, Odayaashii kale ee idinka horeeyay waan isla garanay arintaas  adinkana go’aan kaas inaad nala qaadataan ayaan rabna” ayuu yiri Wasiidka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Daahir Shire Maxamed.

Qaar ka mid ah Odayaasha kulanka la qaatay Wasiirka Batroolka Soomaaliya ayaa dhankooda sheegay iney diyaar u yihiin talaabo kasta oo dowladda Fedaraalka wax uga qabaneyso xaaladaha cakiran ee ka jira Baledweyne.

“Wasiir waan kaga mahadcelineyna kulankaan Wasiiro ka horeeyay way imaan jireen lakiim wasiir wadajirka reer Hiiraan inagala hadla oo inoo yeera manan arkin adiga u horeeya hadad dib iska badali doonin, waana soo dhaweyneyna wax walba oo horumar u ah gobolkaan iyo wadajirkiisa” ayuu yiri mid ka mid ah Odayaashii kulanka ka hadlay.

Kulankaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmahii ugu dambeeyay uu Baledweyne ka waday Wasiirka Batroolka Soomaaliya kulamo ku aadan sidii dowladda Fedaraalka ay xal waara ugu heli laheyd falalka amaan daro ee ka taagnaa waayahii dambe magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Maraykanka 9ka Janaayo 2025 Ugu yaraan 5 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen halka 1,000 gurina ay ku basbeeleen dab xoog leh oo tan iyo Talaadadi ka socda hareeraha magaalada Los Angeles ee dalkan Mareykanka.

Guryo iyo goobo ganacsi ayaa gubtay, iyadoo dadka deegaanka oo ay ku jireen dad caan ka ah Mareykanka ay ka carareen xaafado lagu tilmaamay kuwa ugu qaalisan gobolka California.

Inta badan dabka xooggiisa ayaa billowday Talaadadi, waxana markiiba sii huriyay dabaylaha Santa Ana, oo la sheegay in ay ku socdeen xawaare dan 112 km saacaddiiba.

Dabeylaha ayaa sii socday Arbacadi shalay, waxana diyaaradaha dab damiska qaar ay ku qasbeen in ay gaabiyaan duulimaadka joogga hoose ee biyo rusheynta iyaga oo ka baqayay halista dabka.

Waaxda Dab-damiska Los Angeles ayaa sheegtay in waaxdu loo diyaariyay la tacaalista ugu badnaan laba dab oo waaweyn, balse aysan awoodin afar dab.

Wuxuu sheegay dabka oo ka hadda ka socda afar meel oo ah hareeraha magaalada, uu gubay in ka badan 2,000 oo hektar walina uu sii fidayo.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Arbacadii ansixiyay xaalad deg deg oo heer federal ah, oo la xiriirta dabka ka socda California.

Amarka deg degga ah ayaa u ogolaanaya dowladda federaalka in ay lacag iyo agab deg deg ah geyso halka uu dabka ka socdo. Biden ayaase ka digay in soo kabashada deegaanka ay qaadan doonto waqti.

Muqdisho 9ka Janaayo 2025 Marka hore, ilaahay baa mahad iska leh. Marka labaad, waxaan u mahadcelinayaa madaxda qaranka oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha iyo Raisal-wasaaraha oo fursad ii siiyay inaan qabto xilka Guddoomiyaha, una adeego dadka nugul ee Qaxootiga iyo Barakacayaasha muddo sanad iyo todoba bilood ah. Waxaan kaloo u mahadcelinayaa Wasiirka, Wasiir-dowlaha, Wasiir-kuxigeenka, Agaasimha Guud iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee JFS.

Sidoo kale, waxaan u mahadcelinayaa Gudoomiye-kuxigeenada, “Commissioner”rada Maamul-goboleedyada iyo dhammaan shaqaalaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha. Waxaan soo dhawaynayaa magacaabista ay Golaha Wasiiradu magacaabeen gudoomiyaha cusub ee Hay’adda. Waxaan u rajeynayaa inuu ku guuleysto shaqada loo igmaday.

Ugu dambeyn, anigoo xushmeynaya go’aanka madaxda-sare ee dowladda, hadana maadaama dadka hay’addu u adeegto boqolkiiba 82% dumar iyo caruuur yihiin, aragtidayda waxay ku habooneyd in mas’uuliyadda Hay’addu ku wareegto qof dumar ah, anigoo huba in ay jiraan dumar badan oo howl-kar ah lehna khibraddii iyo aqoontii looga baahnaa Hay’adda.

Wa billahi Tawfiq.
Mahadsanidin

Outgoing Commissioner Safia Hassan Mohamed
The National Commission for Refugees and IDPs (NCRI)
Mogadishu, Somalia

Muqdisho 9ka Janaayo 2025  Muqdisho, waxay ku jirtaa xaalad nabad galyo ah, halistii Khawaarijta ayaa hoos loo dhigay sanadihii lasoo dhaafay, kadib markii ay dowladda Soomaaliya ku qaaday dagaal militeri, mid dhaqaale iyo mid dhanka fikirka ah.

Degmooyinka magaalada Muqdisho waxay ku tartamayaan dhismaha wadooyin laamiyo iyo interlock ah, Bangiyaduna waxay wadaan dhismaha xaafado cusub iyo maal-gashi dhinac kasta leh.

Dhismayaasha ka socda Muqdisho ayaa hadda u baxay banaanka, waxaana la deegaameynayaa dhul ka baxsan Xamar, waxayna caasimaddu ku sii fideysaa gobollada Shabeelooyinka.

Dadka Beeralayda iyo Xoolo dhaqaatada ah ee ku nool qeybo kamid ah gobollada Sh/Dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug ayaa markii ugu horreysay 17 sano kadib waxaa u curtay sanad aysan kooxdu baad ka qaadin, gaadiidkuna waxa uu isaga gudbayaa gobolladaas, iyadoo wadooyinka aysan Shabaab joogin, isbaarana oolin.

Khawaarijta Al-Shabaab, wali waxay joogaan dhul ku yaalla koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, hadda waxaa socda abaabulka sidii dib loogu bilaabi lahaa howlgalka Militeri oo argagixisada looga xoreynayo dhulka ay joogaan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo dagaal cusub abaabulaya ayaa isku maray furimaha dagaalka ee gobollada dhexe, wuxuuna hadda ku sugan yahay gobolka Hiiraan oo toddobaadkaan lagu aasay askari military ah oo loo dilay aano qabiil.

Janaraal Odowaa Yuusuf Raage Taliyaha Militeriga Soomaaliya ayaa furimaha ugu dambeeya ee ciidamadu difaaca uga jiraan ku maraya kormeer uu ugu kuur galayo xaaladda ciidanka iyo dib u bilaabidda dagaalka xoreynta dalka.

Maanta ciidanka xoogga dalka ee Hiiraan ku sugan waxay Shabaab ku bilaabeen howlgalka, waxaana laga xoreeyey ugu yaraan 5 deegaan oo muhiim ah oo ku yaalla Jiinka Wabiga, waxaana loo talaabayaa maalmaha soo socda galbeedka Wabiga, si gobolkaas looga xoreeyo kooxda.

Muqdisho 9ka Janaayo 2025 Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa todobaadyadii lasoo dhaafay ka socday dhaq-dhaqaaqyo culus oo ay ka bilowday dowladda dhexe, oo wafdi sare u dirtay Hiiraan, si ay u fuliyaan qorshaha Villa Soomaaliya.

Wafdiga ayaa ka kooban xildhibaanno, wasiirro, taliyaha NISA iyo taliyaha ciidanka Xoogga dalka, kuwaas oo kulamo kala duwan ka wada magaalada Beledweyne, kuwaas oo xambaarsan laba ujeedo oo kala ah xal u raadin xiisadda gobolka iyo fulinta qorshaha dowladda dhexe ee ku aadan doorashooyinka qof iyo codka ah ee laga qabanayo dalka.

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale toos ula wareegtay amniga Beledweyne oo ay markii hore gacanta ku hayeen ciidamo Macawiisley ah, waana tallaabada koowaad ee ay qaaday xukuumadda, si loogu dhaqaaqo qorshaha ay hormuudka u tahay Villa Soomaaliya.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliya, Daahir Shire oo kamid ah mas’uuliyiinta ay dirtay dowladda ayaa ka warbixiyay kulamada ka socda Beledweyne ee ay la yeehseen waxgaradka reer Hiiraan, waxaana ugu horreeyay arrinta amniga iyo doorashada.

Daahir Shire ayaa hoosta ka xariiqay in Beledweyne laga qabanayo doorasho qof iyo cod ah, isaga oo shacabka ku booriyay inay u diyaar garoobaan inay codadkooda dhiibtaan.

“Waxaan muddo 90 cisho ah ka shaqeynayna nabadeynta gobolka Hiiraan, dowladda siyaasadeeda waa caddahay, Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo Baarlamaanka jihaa la aaday, annagana waa in aynan ka harin oo aynu qabana doorasho qof iyo cod ah” ayuu yiri.

Arrinta kale ee sii xoojineyso qorshaha Villa Soomaaliya ayaa ah in madaxweyne Xasan Sheekh uu dhowaan tegayo Beledweyne, si loo dhammeystiro heshiisyada haatan lala gaaray maamulkii la baxay Hiiraan State, loona xalliyo tabashada ay qabaan reer Hiiraan.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka taagan dood xoogan oo ka dhalatay sida loo wajahayo doorashooyinka dalka oo ay isku hayaan qaar kamid ah maamul goboleedyada, xubnaha mucaaradka iyo dowladda dhexe oo iyadu rabto in la aado qof iyo cod.

WARARKA MAANTA 8da Janaayo 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxaa ka qaylisiiyey khaa’inul waddan Cabdilaahi Sanbolooshe Taliyaha Hay’adda Nabad-Sugida Iyo Sirdoonka Qaranka? Maxuuse maalin kast u ceebeeyaa Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye” iyo fashilka ay ku jirto Dowladdiisa? Maxayse isku aamin karin Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macalin Fiqi Iyo Wasiirul Dowllaha Arrimaha Mr. Balcad? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammad Dastuuri ah oo beddelay dastuurkii lagu soo doortay  Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo #Maqaamka #Muqdisho oo barac iyo hoog ku sameeyey shacabka reer #Muqdisho  Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa qabuuraha iyo hantida dadweynaha iibiyey  Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa qoysaskiisa u xiray inay baad iyo gunno saartaan ganacsiyo kala duwan? Yaa ilmihiisa u magacaabay jaggooyin aysan wax xaq iyo aqoon u lahayn Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa diiday inay labada aqal iyo dowladda wadashaqeeyaan Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Yaa sidan u hadlaaya oo haddan sheegaaya fashilka dowladdiisa  Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Ha Wiqleyso! 

Qaahira 8da Janaayo 2025 Soomaaliya iyo Masar ayaa ku balansan wadahadallo kale oo 15 ilaa 17-ka bishaan ka dhici doona magaalada Qaahira ee dalka Masar, waxaana looga tashanayaa qorshaha ciidamada Masar ee loo soo dirayo Soomaaliya.

Ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in tashigaan uu yahay kii ugu dambeeyey, maadaama horay loo go’aamiyey in ciidamada Masar lasoo geliyo Soomaaliya.

Ciidamada Masar ayaa ka qeyb qaadan doona howlgalka cusub ee Midowga Afrika  ee AUSSOM, wadahadallada Qaahira ka dhacaya waxaa lagu cayimi doonaa goobaha ay ka howlgelayaan ciidankaas iyo qodobo kale oo quseeya howlgalka ciidanka Masar ay ka bilaabi doonaan Soomaaliya.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa ku warramay in Qaahira ay toos ugada geleyso qorshaheeda, isla markaana ay xoojineyso joogitaankeeda Soomaaliya, aadna ay u daneyneyso, maadaama ay kula loolameyso Itoobiya.

Beledweyne 8da Janaayo 2025  Taliyaha Hay’adda NISA Cabdullahi Sanbalooshe oo magaalada Beledweyne ku sugan tan iyo markii uu Ceelbaraf ka dhacay falkii xanuunka badnaa ee lagu dilay 6 kamid ah ciidanka xoogga dalka oo aano qabiil loo dilay ayaa maanta hadlay, wuxuuna ku guuleystay inta xalinta khilaafkii maamul ee ka taagnaa Hiiraan.

Sanbaloolshe ayaa u gardhigtay qaar ka mida waxgaradka magaalada Beledweyne, isagoo si cad ugu sheegay in amni darrada Beledweyne ka jirta ay isaga si gaar ah caqabad ugu tahay, maadaama mar kasta la weydiiyo sida uu wax uga qaban karo amniga guud ee dalka, isagoo xal u heli waayay magaaladii uu ka soo jeeday.

Sanbaloolshe ayaa maanta sheegay in mudadii uu joogay Beledweyne uu ku guuleystay xalinta inta badan mushkiladihii jiray, isagoo dadkiisa ka codsaday in laga tiro ceebta faaftay ee ah “deegaankii aad kasoo jeeday ayaa nabad aheyne ma dalkaan ayaad amnigiisa sugi kartaa?”

“Maanta waxaan hortiina keenay Cabdullahi Fanay iyo raggii kale ee sheegtay Hiiraan State, kuwaas oo awoodoodii aniga igu soo wareejiyey, waxaan idinka rabaa in maleeshiyaadka iyo isbaarooyinka laga qaado magaaladaan,” ayuu yiri Taliyaha NISA oo Beledweyne ku sugan.

Sidoo kale Taliyaha NISA ayaa waxgaradka beeshiisa u sheegay in waxa Hiiraan ka jira ay boog gooni ah ku tahay isaga, wuxuuna yiri “Waa idin baryaa boogtaas iga tira,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sanbaloolshe.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Gaas Odowaa Yuusuf Raage oo ku sugnaa madasha uu Sanbaloolshe kula hadlay waxgaradka reer Beledweyne ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Hiiraan oo hoggaan u aheyd xoreynta dalka uu maanta amnigeedii faraha ka baxay.

“Magaaladaan Baladweyne iyo guud ahaan Gobolkaan Hiiraan waxaan ognahay kalintii ay dadkiisu ku lahaayeen kacdoonkii Khawaarijta dalka looga xoreeyay, maanta in aan amnigeedii walaac ka muujinayno nasiib daro weyn weeye, waana wixii uu cadowgiina ku taamaayey ee sidaan wax ka bedela, sida Hiiraan maanta tahay wax loo sii dul qaada karo maaha,” ayuu yiri Taliye Odowaa.

Agaasimaha NISA ayaa sheegay in hadda kadib ay isaga toos u hoos imaa doonto talada gobolka Hiiraan, maadaama uu meesha ka saaray xubnihii u ololeynaayey Hiiraan State iyo in HirShabeelle la kala gooyo, kuwaas oo hInkastoo Sanbaloolshe uusan cadeyn mowqifkiisa wadajirka HirShabeelle iyo waxa uga qorsheysan, hadana wuxuu doonayaa in awooda gobolkaas uu xasiiskiisa hoos keeno, isagoo amray in la qaado isbaarooyin, lagana saaro maleeshiyaadka hubeysan xeryaha dowladda ee lagu wareejiyey ciidamada qaranka.eshiis la galay Dowladda Federaalka, kana tanaasulay qorshahoodii.

Mataykanka 8da Janaayo 2025 Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii diiday in uu meesha ka saaro adeegsiga awood militari ama dhaqaale siu u ula wareego Panama Canal iyo Greenland, taasi oo qeyb ka ah ajande is-ballaarin oo uu la soo baxay kadib markii uu ku guuleystay doorashadii November 5.

Trump, oo xafiiska la wareegi doona 20-ka Janaayo, ayaa sidoo kale kor u qaaday fikradda ah in Canada laga dhigo gobol ka tirsan Mareykanka, wuxuuna sidoo kale ballan qaaday inuu u beddeli doono magaca Gacanka Mexico kuna magacaabi doono Gacanka America.

Laba toddobaad kahor inta uusan xafiiska la wareegin, Trump wuxuu bilaabay inuu dejiyo siyaasad qallafsan oo dibadeed isaga oo aan tixgalin yar xitaa siin diblomaasiyadda ama welwelka xulafada Mareykanka.

Mar wax laga weydiiyey in uusan u adeegsan doonin xoog ku muquunin militari ama dhaqaale isku dayga uu ku doonayo in uu ku maamulo Kanaalka Panama iyo Greenland, Trump waxa uu yiri: “Maya, midna kuuma xaqiijin karo. Laakiin waxaan kuu xaqiijin karaa waxaan ugu baahanahay sababo amni dhaqaale.”

Trump ayaa dhaleeceeyay qarashka Mareykanka uu ku iibsado badeecadaha Canada iyo taageerada milateri ee Canada, isagoo sheegay in Mareykanka uusan faa’iido ku qabin arrintaas, wuxuuna ku tilmaamay xadka labada dal mid si macmal ah loo sameeyay.

Waxa uu tilmaamay inuu ku soo rogayo Danmark canshuur haddii ay ka hortimaado dalabkiisa ah inay iibsato Greenland, taasi oo uu sheegay inay muhiim u tahay ammaanka qaranka Mareykanka. Wax yar ka hor hadalka Trump, wiilkiisa Don Jr. ayaa tegay Greenland.

Danmark waxay sheegtay in Greenland, oo ah qayb ka mid ah boqortooyada, aanay iib ahayn.

Ra’iisul wasaaraha Denmark Mette Frederiksen ayaa sheegtay goor dambe oo Talaadadii ah iyadoo ka jawaabeysa hadalka Trump: “Uma maleynayo inay wanaagsan tahay in aan isku dagaalno dhaqaale marka aan nahay xulafo dhow iyo saaxiibo.”

“Hadalka madaxweynaha la doortay ee Trump ayaa muujinaya faham la’aan buuxda oo ku saabsan waxa ka dhigay Canada mid xooggan, dhaqaalaheenu waa xoog badan yahay, dadkeenu waa xoog badan yihiin, marnaba iskuma dhiibin doonno hanjabaadaha,” Wasiirka arrimaha dibadda Canada Mélanie Jolie ayaa sidaas ku tiri X.

Mas’uuliyiinta Mexico iyo Panama weli kama aysan hadlin hanjabaadda Trump. Madaxweynaha Panama Jose Raul Molino ayaa horey u diiday fikradda ah in Kanaalka lagu celiyo Mareykanka, kaasi oo maamuli jiray ka hor inta uusan maamulka Panama ku wareejin 1999-kii.

Muqdisho 8da Janaayo 2025 Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed oo ku sugan magaalada Baledweyne ayaa Odoyaasha dhaqanka gobolka Hiiraan kala hadlay xal u helista dhibaatooyinka laga dhexlay amni darrada iyo Isbaarooyinka.

Wasiir Daahir Shire ayaa Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan u sheegay in si deg deg loogu baahan yahay xal waara laga gaaro Isbaarooyinka iyo amni darrada ka jirta gobolka Hiiraan oo sabab u noqotay in gobolka uu ku yimaado dib u dhac dhan kasto ah.

Daahir Shire ayaa sidoo kale tilmaamay inuu la kulmay qaar ka mid ah ganacsatada ugu weyn ee gobolka Hiiraan oo cabasho ka ah hoos u dhac weyn oo ku yimid badeecadihii iyo xoolihii ay iib geyn jireen sabab la xiriirta lacagaha sharci darada ah ee looga qaato Isbaarooyinka tirada badan ee yaala gudaha gobolka Hiiraan.

“Wadadaan dheer dadka ayaa lagu dhibaa, halkaan waxaa igu yimid Nin walaal ah oo ehelka ah, ahna dadka ugu horeeya ee qaaraanka la weydiisto, waa gacmo deystay ayuu idhahay, waxuu ii sheegay inuusan 8 bil wax neef ah uusan rarin sabab la xiriirta  amaan darada jirta iyo jidkaas lagu jiro oo lacago badan la iska rabo,” ayuu yiri Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Daahir Shire.

Wasiir Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya ayaa waxgaradka gobolka Hiiraan faray haddii ay rabaan in horumar iyo barwaaqo la gaarsiiyo gobolka Hiiraan in meel cad laga istaago dadka ka shaqeynaya dib u dhaca gobolka ee ku howlan ka shaqeynta amni darada iyo isbaarooyinka tiro beelka ah ee yaala wadooyinka gobolka.

Ugu dambeyntii Odayaasha kulanka la qaatay Wasiirka ayaa dhankooda balan qaaday iney ka shaqeyn doonaan sidii loo qaadi laha dhamaan isbaarooyinka yaala wadooyinka gobolka Hiiraan oo cabashadoodu soo taagneyd mudooyinkii dambe, kuwaas oo sababay sicir barar xoogan oo ku yimid qiimaha la kala iibsado maciishada qutul daruuriga ah guud ahaan deegaanada gobolka.

Ceel Baraf 8da Janaayo 2025 Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xaalad kale oo adag uu galay deegaanka Ceel Baraf oo dhowaan lagu laayay askar ka tirsanaa ciidanka Xoogga dalka oo loo beegsaday aano qabiil darteed.

Xiisadda cusub ayaa ka dhalatay weerar kale oo xalay ka dhacay gudaha deegaanka, kadib markii dil iyo dhaawac loo gaystay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Dhacdadan cusub ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay gaysteen koox hubeysan oo gaari ku timid, kuwaas oo beegsaday dad beeraleyd, kadib markii ay rasaas ku fureen.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay falkaan cusub, iyada oo ay ku dhaawacmeen 3 kale, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoonaan karo.

Sidoo kale waxaa kooxda weerarka fulisay ay dab qabad-siisay gaari Cagaf ah oo ay lahaayeen dadka beeraleyda ah ee weerarka lagu qaaday, iyada oo ay baxsadeen raggii ja dambeeyay.

Xaaladda deegaanka ayaa kacsan, waxaana hakad galay dhaq-dhaqaaqa guud kadib markii ay cabsi soo wajahday shacabka ku dhaqan Ceel Baraf, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo mas’uuliyiinta dowlad goboleedka HirShabelle.

Dhacdadan ayaa la rumeysan yahay inay daba socoto falkii lagu laayay askarta ee horay uga dhacay Ceel Baraf, kuwaas oo mar dambe aas loogu sameeyay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kadib dhex-dhexaadin & dadaallo dheeraad ah oo la sameeyay.

WARARKA MAANTA 6da Janaayo 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta:Yaa diiday in la sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Maxuuse Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye” u diiday inuu sameeyo #Maqaamka #Muqdisho? Yaa taba inuu iibiyo dhulkii dadweynaha Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye” Yaa diiday inay labada aqal wadashaqeeyaan Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye” Yaa diiday inay Dowladda Soomaaliya Iyo Dowlad Gobaleedyada wadashaqeeyaan Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye” Yaa dagaal sokeeya iyo jah-wareer siyaasaddeed ka dhex wada dalka Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye” Yaa raba inuu xukunka muddo kororsi ku sameeyo Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye” Yaa raba in aan la kashifin musuqmaasuqiisa Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye” Ha Wiqleyso! 

Masar 6da Janaayo 2025 Wasiirka arrimaha dibadda Masar, Badar Abdelatty, ayaa xaqiijiyay mowqifka taageero ee Masar ee ku aadan Soomaaliya, mar uu khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi. 

Baaqan ayaa ku soo beegmaya laba toddobaad uun ka dib booqashadii Fiqi ee Qaahira, halkaas oo Masar iyo Soomaaliya ay ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo Hawlgalka Taageerada Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee billowday 1-dii Janaayo 2025.

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar, Badar Abdelatty iyo Fiqi ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal. 

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Puntland oo dhawaan ka badbaaday weerar ay Daacish ku qaadday tuulada Dharjaalle, ayaa la kulmay odayaasha dhaqanka ee qabaa’ilada.

Kulamadaas ayaa looga hadlay doorka qabaa’ilku ku yeelan karaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada dhibaatada ku haya bulshada ee baneystay xoolahooda iyo dhiigoodaba.

Maxamed Baari Shire ayaa sheegay in gobolka Bari uu noqday bahalo galeen ay sabab u tahay galaan-galka iyo saamaynta kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ku yeesheen bulshada deegaanka.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale wuxuu xoojiyay baahida loo qabo in shacabka iyo qabaa’ilka iska kaashadaan sidii looga sifeyn lahaa kooxahaasi deegaanadooda.

Laamaha amniga Puntland ayay ku adkaatay inay xog ka helaan deegaanada Daacishtu ku sugan yihiin, iyadoo dhawaan weerarkii u dambeeyay ee Daacish uu muujiyay fashilka sirdoon ee ciidanka Puntland, maadaana kooxda weerarka soo qaaday ay soo jareen boqolaal Kiilo-mitir, iyagoo soo maray dhowr tuulo oo ay dad reer miyi ah degan yihiin.

Muqdisho 6da Janaayo 2025  Xiisadda ka taagan guriga hooyooyinka ee magaalada Muqdisho ayaa kasii dartay, taas oo u dhexeyso xukuumadda iyo ururka haweenka qaranka oo isku haysto dhismaha gurigaas oo ku yaalla agagaarka xeyndaabka madaxtooyada.

Xiisadda ayaa waxaa dab kusii shiday ra’iisul wasaare Xamza, kadib tallaabo uu shalay qaaday, isaga oo mar kale ku celiyay in haweenka ay isaga baxaan gurigaas oo uu tilmaamay inay leedahay wasaaradda haweenka, looguna shaqeynayo qaranka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa tilmaamay in ay jiraan gabdho weli isku dhajinayo guriga hooyooyinka, balse ay siinayaan fursad kale oo dheeri ah, si ay uga guuraan dhismaha.

“Gabadhaha waa ay isku dhajiyeen guriga hooyooyinka, annaga waxaan diidnay inay booliska jiid jiidaan ,guriga haka baxaan” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Waxaa kale oo uu yiri “Xaruntii wayneyd ee hooyooyinka la oran jiray waxaan rajeynayaa inay ku shaqeyso wasaaraddu iyadaa iska leh inay ku shaqeyso ayaana la rabaa”.

Dhanka kale, guddoomiyaha ururka haweenka qaranka, Marwo Batuulo Axmed Gaballe oo shir jaraa’id qabatay ayaa u jawaabtay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, waxayna ka hortimid amarka uu bixiyay, iyada oo sheegtay in aanay ka guuri doonin dhismahan oo ay tilmaamtay inay leeyihiin haweenka Soomaaliyeed.

“Waxba nooma dhexeeyaan ra’iisul wasaare daris ayaa nahay gurigaaga waa naga sii jeedaa annaga dhinaca kale ayaan ka daganahay noo soo lugey ee kaalay na jiid oo naga saar guriga haweenka kama aadan xishooninee” ayay tiri Batuulo Axmed Gaballe.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Waxaan ka xumahay aniga oo xor ah oo Soomaali ah oo hooyo Soomaaliyeed ah in maanta ra’iisul wasaarihii qaranka nagala cel-celinaayo oo uu leeyahay haweenka soo jiida, waa nasiib darro aad u wayn”

Muqdisho 6da Janaayo 2025 Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, isla markaana taabacsan Villa Soomaaliya ayaa si kulul ugu jawaabay xubnaha mucaaradka oo shalay eedeymo culus u jeediyay madaxweyne Xasan.

Cagaweyne ayaa ka falceliyay qoraal ay soo soo saareen Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo digniin culus kasoo saaray boob ay sheegeen in lagu hayo dhulalka danta guud iyaga oo dowladda ku eedeeyay inay ka iibineyso ay ganacsato ah.

“Haddaba, waxaan uga digaynaa ganacstada sida sharci darrida ah looga iibiyo dhulka danta guud iyo dadka kale ee la siiyey, looga qaanbaxay, ama lagu laaluushay in aysan ku kadsoomin milkiyadda iyo yeelashada dhulka dowladda, waana in ay ogaadaan” ayay xubnaha mucaaradka ku yiraahdeen warsaxaafadeedkooda.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne ayaa dhankiisa sheegay in wax laga xumaado ay tahay tallaabada ay qaadeen madaxdii hore, wuxuuna tilmaamay in ay caadeysteen mar kasta aflagaadada madaxdii xukunka uga dambeysay, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa wax aad looga xumaado ah in madax dalkaan soo hogaamiyay rabana bari in ay hogaamiyaan ay madaxdii xukunka uga danbeysay caadeysteen in ay maalin walba aflagaadeeyaan, inbadan ayaa la idinka aamusay laakin wixii hada kadanbeeya waa la idin jawaabayaa” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdiraxmaan Cagaweyne.

Sidoo kale wuxuu xildhibaankan si weyn u difaacay Villa Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xariiqay in guullo waa wayn uu soo hooyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

“Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Hassan Sheikh waxa ay ku guuleysatay sugida Amniga Caasimadda, xoreynta deegaano badan oo dalka ah, dayntii mudada dheer jirtay oo Soomaaliya laga cafiyay, kubiirista bulshada Bariga Afrika, khayraadkii dalka oo lasoo saarayo, dhameystirka dastuurka, shuruucdii ugu mihimsanaa oo la meelmariyay iyo midnimada dalka” ayuu mar kale yiri xildhibaanku.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Ugu danbeyn 56 sano kadib dowladda Soomaaliya waxay ku guuleysatay in dalka uu u dhaqaaqo doorasho dadweeyne oo dadka ay ku dooranayaan hogaankooda heer Maamul gobaleed iyo heer Federaal waxaan leeyahay madaxdii hore ku kalsoonaada dadkiina una diyaar garooba doorashada dalka kadhaceysa”.

Muqdisho 6da Janaayo 2025 Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka Ergeyga QM ee Soomaaliya, George Conway iyo wakiillo kale oo ka socday Hay’adaha Qaramada Midoobay, iyada oo kulanka lagu soo qaaday sidii lacag loogu uruurin lahaa Soomaaliya.

Ujeedka kulanka labada dhinac ayaa ahaa mid looga hadlayay xaaladda abaaraha ee dalka, qorshaha ka jawaabista baahiyaha bini’aadannimo ee 2025, iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha.

Inta uu socday kulanja ayaa dhinacyadu waxay ku heshiiyeen in la qabto shir guud oo loogu talagalay sidii dhaqaale loogu uruurin lahaa dadka nugul ee u baahan caawimaadda.

Maxamuud Macallin oo ka hadlay madasha ayaa ka qeyb-galayaasha si wey ugu boorriyay dhammaan hay’adaha gargaarka iyo ururada caalamiga ah in ay si wadajir ah u xoojiyaan dadaallada kaalmeynta danyarta, si gaar ah dadka ay sida daran u wax-yeelleeyeen abaaraha.

Sida ay muujinayaan warbixinnadii u dambeeyay, in ka badan 5.98 milyan oo qof ayaa hadda u baahan gargaar bani’aadannimo iyo garab istaag deg-deg ah, 3.2 million oo dadkaas nugul ka mid ah ayaa wajahaya xaalad halis ah, ku dhawaad 200,000 oo qof ayaa abaarta awgeed kaga barakacay guryahoodii si ay nolol u raadsadaan, halka 1.4 milyan oo xoolo ah ay abaaruhu galaafteen, sida lagu sheegay warbixin horay uga soo baxday SoDMA.

Dhowaan dowladda federaalka ayaa ku dhowaaqday in dalku galay marxalad abaar oo adag, loona baahan yahay gurmad iyo dadaal aan kala har lahayn, kadib markii uu baaqday xilli roobaadkii Dayrta ee la filayay bilihii September, October iyo November.

Si kastaba, ayaa waxaa kusoo noq noqday abaaraha, waxaana ugu wacan roobabkii la filayay oo baaqday, iyada oo ay sii dheertahay colaado sokeeye oo ka jira gudaha dalka.

Muqdisho 6da Janaayo 2025 Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho ka dhagax dhigay dhismaha xarun muhiim ah oo ay yeelan doonaan Golaha Culimada Soomaaliyeed oo loogu magacan daray Daarul Iftaa.

Xamza oo uu dhinac taagnaa Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa goobta ka sheegay in xaruntan ay saldhig u noqon doonto masaa’isha diiniga ah ee loo baahan yahay in loo iftiimiyo dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in bulshada Soomaaliyeed ay yihiin kuwa jecel diintooda, isla markaana ay culimadu waligoodba horseed ugu ahaayeen, iyada oo taas laga duulayana la hirgeliyey xaruntan oo baahi weyn loo qabay xilligan.

“Mashaariicda dadka Soomaaliyeed sida weyn ugu baahnaayeen ayey ka mid tahay xaruntan Daarul Iftaa, waxaanna rajeynayaa in uu mashruucani uu noqdo mid guuleysta, kana shaqeeya midnimada Ummadda Soomaaliyeed”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Dhanka kale Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre  ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka hirgelinta xaruntan, isaga oo xusay in lagu dhisayo iskutashi oo aysan jirin wax kaalmo dibedeed ah oo lagu maalgelinayo.

Munaasabadda dhagax-dhigga xaruntan cusub waxaa sidoo kale goobjoog ahaa qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed oo soo dhaweeyay in golahooda loo dhiso xarun u gaar ah.

Puntland  6da Janaayo 2025 Maamulka Puntland ayaa bilaabay abaabulka qabaa’ilada ku dhaqan gobolka Bari, gaar ahaan dhulka ku teedsan deegaanka buuraleyda Calmiskaad.

Ujeedka abaabulkan ayaa salka ku haya dagaalka ka dhanka ah Daacish. Kooxdan oo muddooyinkii dambe culeys amni ku haysay maamulka Puntland ayuu haatan go’aansaday maamulku inuu ku qaado dagaal culus oo lagu ciribtirayo Daacishta saldhigatay buuraha maamulkaasi.

Qabaa’ilada ku nool tuulooyinka bariga fog ee gobolka Bari ayaa la sheegay in ay saamayn ku yeelatay joogitaanka iyo galaan-galka Daacish ee deegaannada qaar.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Puntland oo dhawaan ka badbaaday weerar ay Daacish ku qaadday tuulada Dharjaalle, ayaa la kulmay odayaasha dhaqanka ee qabaa’ilada.

Kulamadaas ayaa looga hadlay doorka qabaa’ilku ku yeelan karaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada dhibaatada ku haya bulshada ee baneystay xoolahooda iyo dhiigoodaba.

Maxamed Baari Shire ayaa sheegay in gobolka Bari uu noqday bahalo galeen ay sabab u tahay galaan-galka iyo saamaynta kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ku yeesheen bulshada deegaanka.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale wuxuu xoojiyay baahida loo qabo in shacabka iyo qabaa’ilka iska kaashadaan sidii looga sifeyn lahaa kooxahaasi deegaanadooda.

Laamaha amniga Puntland ayay ku adkaatay inay xog ka helaan deegaanada Daacishtu ku sugan yihiin, iyadoo dhawaan weerarkii u dambeeyay ee Daacish uu muujiyay fashilka sirdoon ee ciidanka Puntland, maadaana kooxda weerarka soo qaaday ay soo jareen boqolaal Kiilo-mitir, iyagoo soo maray dhowr tuulo oo ay dad reer miyi ah degan yihiin.

WARARKA MAANTA 5ta Janaayo 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta:Yaa diiday in la sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye”? Maxuuse Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye” u diiday inuu sameeyo #Maqaamka #Muqdisho? Naxuuse Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye” u barabiciyey shacabka #Muqdisho ku nool ee aan waxba haysan? Yaa kamid ah ganacsatada iibsanaysan dhulka hantida dadweynaha ee uu Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye” ka iibiyey? Naxay beesha caalamka u diiday inay wax dhaqaallo ah siiso xukuummadda fashilantay ee Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre “Marxuumka/Dhaweeye”? Yaa ka saaray #Ethiopia inay hawlfgalka ATMIS ka qaybgelin? Maxayse tahay sababta uu Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye” u rabo inuu burburiyo Dowladda Gobalaadka #Jubbaland> Maxayse tahay dagaalada ay hurinayso Dowladda Soomaaliya qabiilada dhexdooda?  Maxuu Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye” u diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah? Ha Wiqleyso! 

Beledweyne 5ta Janaayo 2025 Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa maanta aas loogu sameeyay todobadii askari ee dhowaan lagu laayay deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii loo beegsaday aano qabiil darteed.

Maydadka askartan oo maalmo yaalay ayaa ugu dambeyn maanta la aasay, kadib markii is-afgarad hordhac laga gaaray kiiskan oo xiisad culus ka abuuray HirShabelle.

Dadaallada lagu gaaray aaska iyo xal u helidda dhacdadan waxaa ku baxay odayaal ka tirsan Beesha Abgaal oo uu hoggaaminayo Imaamka Muddulood Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo ka baxay Muqdisho, kuna sugan magaalada Beledweyne.

Odayaasha Xamar ka tegay ayaa wada-hadallo aan loo kala kicin la yeeshay odayaasha dhaqanka Beesha Xawaadle oo ay ka dhasheen wiilasha lagu laayay Shabeelaha Dhexe, waxayna isku raaceen in marka hore la aaso askarta, kadibna laga war sugo go’aanka dowladda Soomaaliya oo la wareegtay kiiskaasi.

Sidoo kale waxaa Beledweyne ku sugan taliyaha NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ku howlan xal u helida dhacdadaan, isaga oo odayaasha ku qanciyay inay arrinta ug dambeeyay dowladda dhexe, maadaama ay la wareegtay maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Dhacdadan ayaa dad badan ay ka xumaadeen, maadaama askar Soomaaliyeed oo ku howlanaaa difaaca qarankooda waddada loo galay, kaAskarta la dilay waxay gaareysaa 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ka fasax qaatay saldhigii ay ka tirsanaayeen ee deegaanka Xawaadley, maleeshiyaad hubeysan oo jidka u galay ayaa ciidankaas ku laayey deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/Dhexe.dibna la laayay.

Muqdisho 5ta Janaayo 2025 Wafdi culus oo ka socda dalka Turkuga ayaa lagu wadaa inay dhowaan soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, halkaas oo ay ka bilaabi doonaan dhaq-dhaqaaqyo ku aadan sii xoojinta xiriirka labada dowladood.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, wafdigan oo ah mid sare ayaa hordhac u ah safar la filayo in Muqdisho uu ku yimaado madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo isku mari doono Soomaaliya iyo Itoobiya oo dhowaan ku guuleystay inuu heshiis dhex dhigo labada dal.

Wafdiga ka imaanaya Turkiga ayaa ka shaqeyn doono qaban-qaabada safarka madaxweynahooda oo dhowaan shaaciyay in uu horraanta bishaan ku imaanayo Soomaaliya, sida ay horay u shaacisay dowladda Turkiga.

Sidoo kale wafdiga Turkiga ayaa kulamo hordhac ah a qaadan doono madaxda sare ee dowladda federaalka iyo howlwadeennada ku sugan safaaradda Turkiga ee Soomaaliya.

Waxaa kale oo mas’uuliyiinta Turkiga uu soo dirayo ay isla shaqey doonaan guddiga ka imaanaya dowladda federaalka ee soo dhaweynta Erdogan u xilsaaran, waxayna isla dejin doonaan hab maamuuska loo diyaarinayo madaxweynaha.

Dhanka kale,  Recep Tayyip Erdogan ayaa marka uu safar ku yimaado magaalada caasimada ah ee Muqdisho sidoo kale sii mari doonna magaalada Addis Ababa ee Itoobiya sida uu ku sheegay qoraal uu kol hore soo geliyay Bartiisa X ee horay loo oran jiray Twitter.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir soo jireen ah iyo saaxibtinimo, iyada oo haatan Ankara ay Muqdisho ka taageerto dhinacyo muhiim ah, sida bani’aadanimada iyo milatariga, gaar ahaan dib u dhiska ciidamada Xoogga dalka iyo qalabeyntooda,.

Si kastaba, Erdogan ayaa safarkiisii ugu horreeyay Soomaaliya ku yimid bishii August ee sanadkii 2011-kii isaga oo ahaa ra’iisul wasaaraha Turkiga, xiligaas oo xaalad adag oo dhanka abaaraha ah ay ka jirtay dalka, Muqdishana ay ku sugaayeen baracakayaal badan.

Muqdisho  5ta Janaayo 2025 Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi oo wareysi siiyay Al Jazeera ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay soo dhoweeyneeyso isbadalka ka dhacay dalka Syria iyo maamulka cusub waxaana uu rajo wanaagsan uu ka muujiyay in goor dhow safxad cusub u furmi doono xiriirka Soomaaliya iyo Syria. “Arrintaasi waanu ku gudo jirnaa warqad aanu u dirnay wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Suuriya, waxaanu rajaynaynaa in aanu kulan saaxiibtinimo la yeelano, Waxaan aaminsanahay in isbedelka ka dhacaya Suuriya uu u sahli doono malaayiin dadkeeda ah inay ku noqdaan dalkooda oo ay ku noolaadaan xorriyad iyo ammaan.” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in shacabka Soomaaliyeed ay ixtiraam u hayaan Suuriya iyo dadkeeda.

“Waa dalka kaliya ee Carbeed ee aqoonsaday Baasaboorka Soomaaliga kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii, oo xitaa ogolaaday in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay galaan,Safaarada Soomaaliya ee Dimishiq waligeed ma xirmin xattaa xiliyadii dhawaanahan ay xiisadi ka taagneyd, waxaana dhawaan booqan doonaa Dimishiq.” ayuu yiri Fiqi Wareysiga uu siiyay Al Jazeera.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in uu aaminsanahay in hogaamiyaha maamulka cusub ee Suuriya Axmed Al-Sharaca uu si wanaagsan u maareynayo arrimaha siyaasada, kana shaqeynayo ilaalinta midnimada shacabka Suuriya.

Muqdisho 5ta Janaayo 2025 Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa dadka dib u xusuusiyey hadal cajiib ahaa oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu Baarlamaanka ka hor sheegay, xilli uu codsanayey in laga qeyb qaato xalinta mushkiladaha gudaha dalka.

Arrintaan ayuu Wasiir Maareeye la xiriiriyey kursiga ay sanadkaan Soomaaliya ku fariisatay ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, wuxuuna ugu horeyn umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey guushaan taariikhiga ah.

“Innagoo weli ka soo kabanayna burbur dawladnimo kii ugu xumaa, ka soo kabashadiisuna ugu dheerayd aduunka casriga ah soo mara xilliyadan dambe, waxaan Shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxda Qaranka oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha leeyahay Hambalyo guusha taariikhiga ah ee aad gaadhsiiseen Soomaaliya,” ayuu yiri Maareeye.

Wasiirka Beeraha Soomaaliya ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in sanadkaan adduunku xiiseynayo qadiyahada Soomaaliya ay codkeeda ku biirin doonto, maadaama bilo ka hor la isweydii jiray waxa golaha ammaanka ay ka dhaheen arrimaha Soomaaliya.

“Alxamdullilaah sanadkan bilowday cidna weydiin meyno oo dhihi mayno “muxuu ka yidhi Golaha ammaanku arimaha Soomaaliya” laakiin aduunka ayaa isweydiinaya maxay Soomaaliya ka tidhi arimaha caalamka, tusaale ahaan arimaha Suudaan ama Qassa oo kale,” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Sidoo kale Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa bulshada xusuusiyey oraahdii Madaxweyne Xasan Sheekh ee aheyd “dibadda waa xali karnaaye gudaha nala xaliya.”

Minnesota: Say Goodbye To High 2024 Car Insurance Rates If You Live In These Zip Codes

UltimateInsurance

Dating Site For Older Men – Meet Mature Ladies Now!

DateMyAge

Sign Up

The Free Game That’s Changing Everything

Raid Shadow Legends

“Horay ayuu Madaxweynuhu Golaha Barlamaanka uga yidhi wax-kasta oo Caalamka nooga xidhan waanu dhameyn karnaa, laakiin waxaan la dhameyn karin waxa Soomaali iskaga xidhan ee danta dalkooda iyo dadkooda ku jirto, Illaahay amuuraha noo sahlo oo umadda Soomaaliyeed fidmada qabiilka ha ka saaro, Aamiin” ayuu qoraalkiisa ku yiri Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee XFS Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Oraahdii Madaxweynaha iyo dib u xusuusinta Wasiirka ayaa ku soo aadeysa iyadoo Soomaaliya ay dunida ka cayaareyso diblomaasiyad heer sare ah, laakiin gudaha dalka ay isku dilayaan qabaa’il aan la garaneyn wax weyn oo ay isku heystaan, ficillo argagixiso iyo khilaafaad maamul oo muujinaya dib u dhac aan xiligaan loo baahneyn ama laga maarmi karo.

Muqdisho  5ta Janaayo 2025  Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen qaar kamid ah hoggaamiyaasha ugu sareeya mucaaradka dowladda Soomaaliya ayaa digniin culus loogu diray ganacstada “sida sharcidarrada ah looga iibiyo dhulka danta guud iyo dadka kale ee la siiyey, looga qaanbaxay, ama lagu laaluushay in ay ku kadsoomaan milkiyadda iyo yeelashada dhulka dowladda,” sida loo dhigay qoraalkaan.

Warkaan oo si wadajir ah ay u soo saareen Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ganacsatada uga digay wax ay ugu yeereen “booli qaran” oo hantida danta guud ah.

DIGNIIN KU SOCOTA GANACSATADA DHULKA DANTA GUUD LAGA IIBIYO:

Waxaa xawli ku socda xaraashka dhulkii danta guud ee dowladda, waxaa joogto noqday barakicinta danyarta, ku dul habsiga xarumo waxbarasho iyo kuwo daryeel caafimaad, iyadoo dhulka badankiis si xaraash ah looga iibinayo ganacsato, halka qaar la siiyo qoysas gaar ah, qaar kalana lagu laaluusho siyaasiyiin.

Waxaa si bareer ah loo jebiyey godobbo dastuuri ah iyo dhammaan sharciyada la xariiray bixinta, iibinta, bedelidda dabeecadda hantida danta guud, waxaana qodobbadaas ka mid ah;

Qodobka 26aad iyo qodobka 43aad ee dastuurka oo qeexaya mabaadiida guud oo ay tahay in ay u hoggaansamaan xeerarka iyo siyaadaha quseeya dhulka iyo hantida guud, farayana xukuumadda dejinta siyaasad qaran ee hantida guud.

Qodobbada 50aad, 51-aad ee sharciga maareynta maaliyadda guud Sharci L

17, December 2019 ee qeexaya hantida danta guud.

  • Qodobbada 87aad, 681 (3)aad, 723 (l)aad, 730aad ee xeerka madaniga Soomaaliyeed Xeer Lr. 37, 1973 ee xeerinaya hantida guud iyo badelidda dabeecada hantida danta guud.
  • Qodobka 6aad ee Xeer Ir 41 soo baxay 13 September 1973 (Urban Land Distribution) oo mamnuucaya iibinta iyo wareejinta hantida danta guud iyadoo xeer gaar ah uusan jirin.

Waxaa kaloo si bareer ah loo hareer maray;

• U sinnaanta fursadaha helidda dhulka iyo ka faa’iideysiga kheyraadkiisa.

  • Dammaanad-qaadista xuquuqda lahaanshaha dhulka iyo diiwaangelinta.
  • Xaqiijinta ka faa’iideysiga dhulka si waafaqsan mabaadi’da ka dheefsashada dhulka iyada oo aan dhibaato loo geysan.
  • Xallinta khilaafaadka ka dhasha dhulka iyo hantida.
  • Xadeynta dhulka qof ama shirkadi yeelan karaan.
  • Nidaaminta dhaqdhaqaaqa suuqa ka-ganacsiga dhulka, si looga hortago ku-takrifalidda xuquuqda milkiilayaasha dhulka ee yaryar.

Haddaba, waxaan uga digaynaa ganacstada sida sharci darrida ah looga iibiyo dhulka danta guud iyo dadka kale ee la siiyey, looga qaanbaxay, ama lagu laaluushay in aysan ku kadsoomin milkiyadda iyo yeelashada dhulka dowladda, waana in ay ogaadaan;

  1. In milkiyadda hanti aan lagu heli karin qof saxiixiis ee dastuur iyo sharci lagu hantiyo.
  2. In sifo sharci ah oo keli ah lagu milki karo dhulka dowladda, diiwaanka danta guudna looga saari karo.
  3. In cid kasta oo hanti qaran sifo sharci darri ah looga iibiyey, hibeeyey, qaanbaxay, ama lagu laaluushay ogaato, waxay haysataa waa BOOLI QARAN.
  4. In qof waliba oo ku lug yeesha si sharci darri ah iibinta, wareejinta, gadashada, iyo bedelidda dabeecadda hantida guud uu danbiile yahay, lalana xisaabtami doono iyadoo la marayo shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah intaba.
  5. Shariif Sheekh Ahmed
  6. Xasan Cali Khayre
  7. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Muqdisho 5ta Janaayo 2025 Howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ee la magac baxay AUSSOM ayaa Arbacadii si rasmi ah u howlgalay, waana kan la wareegay hoggaanka ciidamada nabad ilaalinta ee Soomaaliya, inkastoo aan la hubin liiska ugu dambeeya ee dalalka ay ciidamada ka joogayaan Soomaaliya. 

Axmed Ciise Cawad oo hore usoo noqday wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, oo BBC-da la hadlay ayaa ka fallooday waxa howlgalkan AUSSOM uu kaga duwanaan karo kuwii hore iyo waxqabadkoodii.

“Wax badan oo farqi ah uma dhexeeyaan is beddelka, balse anigu waxa aan qabaa in wax badan ay na tareen ciidamada nabad-ilaalinta u jooga dalka marka ay noqoto dagaalka lagula jiro al-Shabaab ilaa wagii ay yimaadeen, muddada dheer ee ay joogeen mas’uuliyaddeeda waxaa iska leh gaabiska dowlad-dhiska Soomaaliya balse iyagu howlihii loo diray wey qabteen,” ayuu yiri Cawad. 

Dhinaca kale Cabdiweli Gurey oo isna ah siyaasi ka fallooda arrimaha Soomaaliya horayna ugusoo tartamay hoggaanka Puntland ayaa isagu qaba aragti taasi ka duwan waxaana uu ka hadlay wixii laga filayay taxanihii hore ee ciidamada nabad ilaalinta.

“Waxa aad mooddaa arrintan taxanaha ah oo soo bilaabatay 2007-dii, in dareenkii dadku rabay ay ka arkaan ama dowladnimada Soomaaliya lasoo celsho, waxa aad mooddaa in arrkinkaas lagu fashilmay oo aysan suura gelin,” ayuu yiri Cabdiweli. 

“Waddamada ka qayb galayay nabad ilaalinta waxa aad mooddaa in ay lahaayeen danahooda gaarka ah, waxyaabihii lalahaa ha qabteen waxa aad mooddaa in aysan wax badan ka qaban sida in la isku dayo in Soomaaliya ay yeelato ciidan isku filan, kuwa hadda cusubna waa la arki doonaa waxa ay falaan,” ayuu sii raaciyay siyaasi Cabdiweli Gurey.

Cawad oo mar kale arrintaasi ka hadlay ayaa yiri, “Ma aha in la isku khaldo mas’uuliyaadka Soomaalida iyo tan caalamiga ah, dabcan dal waliba ciidankiisa isaga ayaa dhista, amni xumaduna waxa ay ka mid tahay dhibaatooyinka siyaasadeed ee ina haysta.” 

Howlgalka ciidamada nabad-ilaalinta ayaa ah mid aan gaarsiineyn guud ahaan dalka, waxaa sidoo kale is weydiin mudan sababta adduunku uusan ugu firfircooneyn maal-gelinta ciidamo Soomaaliyeed. 

New York 5ta Janaayo 2025 Soomaaliya oo dhowaan xubin aan joogto aheyn ka noqotay Golaha Ammaanka QM, ayaa fadhiggii ugu horreeyey ee ay ka qeyb-gasho ugu baaqday Israa’iil inay joojiso dagaalka Gaza, ayna ixtiraamto shuruucda bani’aadannimada iyadoo u oggolaanaysa in gargaarka la gaarsiiyo malaayiin rayid ah oo dhibaataysan ka hor cimilada qabowga. 

Baaqan ayaa waxaa jeediyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Daahir Cusmaan “Baali”, isagoo warbixintii ugu horeysay siiyay Golaha Ammaanka. 

Abuukar ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Golaha Ammaanka yeeshay oo looga hadlayay Gaza iyo Bariga Dhexe, iyadoo xubnaha Goluhu ay warbixin ku saabsan xaaladda dagaalka Gaza ka heleen Madaxa Xuquuqda Aadanaha ee QM, Volker Türk.

Ergeyga Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dalkiisu uu ka walaacsan yahay xaaladda nololeed ee dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta, oo ay dhibaato ka soo gaartay dagaallada iyo macluusha ay Israa’iil ku hayso.

Waxa uu ku booriyay maamulka Israel in ay joojiyaan weerarada ay ku hayaan isbitaallada ayna sameeyaan dadaal dheeri ah si loo xaqiijiyo in gargaarka nafta lagu badbaadiyo uu gaaro dadka rayidka ah ee gaajaysan ee ku nool dhulka la haysto ee Falastiin.

“Soomaaliya waxay aad uga walaacsan tahay xaaladda sii xumaanaysa ee Gaza iyo dhibaatada sii socota ee dadka reer Falastiin, taas oo ay ugu wacan tahay colaadda daba dheeraatay ee hadda socota in ka badan 14 bilood,” ayuu Abuukar Baalle ku yiri warbixintiisa.

Soomaaliya ayaa sheegtay in tirakoobkii ugu dambeeyay ee Ururka Caafimaadka Adduunka ee Falastiin uu ahaa mid naxdin leh oo 94 boqolkiiba xarumaha caafimaadka ee Gaza ay waxyeello u geysatay ama burburisay Israa’iil, kaliya 17 isbitaal ayaa ka soo haray 36 isbitaal oo shaqeynaya. 

Soomaaliya ayaa sheegtay in Falastiiniyiinta aysan haysan waxyaabaha aas-aasiga u ah nolosha sida cunno, biyo, hoy iyo dawo, taasi oo ay sabab u tahay go’doominta gargaarka ee Israel ay ku hayso Gaza. 

Waxay sheegtay in mid ka mid ah isbitaallada ugu cusub uguna weyn ee la beegsaday uu yahay Kamal Atwan Hospital, oo agaasimihiisa, Dr. Hossam Abu Safiya, ay xireen ciidamada Difaaca Israel.

Soomaaliya ayaa ka digtay in weerarrada joogtada ah ee isbitaallada lagu qaado ay ka dhigan yihiin isir sifeyn lagu sameeyo Falastiiniyiinta. 

“Weerarada si ula kac ah loo geystay Cisbitaalka Kamaal Atwan iyo xarumo kale oo caafimaad iyo shaqaale ayaa ah nooc ka mid ah isir sifeyn iyo ciqaab wadareed oo ka dhan ah dadka rayidka ah ee Gaza,” ayuu yiri danjiraha Soomaaliya. 

Soomaaliya ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka, iyadoo sheegtay in dhibaatada Israel iyo Falastiin aan lagu xalin karin qaab ciidan oo kaliya, balse ay ku dhamaan karto oo kaliya in la helo dowlad Falastiiniyiin ah oo ay caasimad u tahay magaalada Qudus, sida ku cad go’aanadii hore ee Golaha Ammaanka. 

WARARKA MAANTA 4ta Janaayo 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxuu Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye” ugu diiday madaxa beesha Xawaadle ka qaybgalaan aaska dhallinyaro ciidan ah oo loo dilay aanno qabiil? Maxuuse u amray inaysan garoonka aadan Cadde uga dhoofayey Beledweyne? 

Maxuuse Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye” u diiday inuu sameeyo #Maqaamka #Muqdisho? Naxuuse Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye” u barabiciyey shacabka #Muqdisho ku nool ee aan waxba haysan? Yaa kamid ah ganacsatada iibsanaysan dhulka hantida dadweynaha ee uu Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye” ka iibiyey? Naxay beesha caalamka u diiday inay wax dhaqaallo ah siiso xukuummadda fashilantay ee Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre “Marxuumka/Dhaweeye”? Yaa ka saaray #Ethiopia inay hawlfgalka ATMIS ka qaybgelin? Maxayse tahay sababta uu Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye” u rabo inuu burburiyo Dowladda Gobalaadka #Jubbaland> Maxayse tahay dagaalada ay hurinayso Dowladda Soomaaliya qabiilada dhexdooda?  Maxuu Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye” u diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah? Ha Wiqleyso! 

Maraykanka 4taa Janaayo 2025Askari ka tirsanaa ciidamada Maraykanka oo dilay 14 qof kadib markii uu baabuur jiirsiiyey dad isugu soo baxay dabaal degga sanadka cusub ee magaalada New Orleans, ayaa baayaco u ballan-qaaday kooxda Daacish, wuxuuna duubay muuqaallo uu ku cambaareynayo musika, daroogada iyo khamriga.

Shamsud-Din Jabbar, oo ahaa 42 jir u dhashay gobolka Texas, marna qeyb ka ahaa ciidamada Mareykanka ee Afghanistan la geeyey, ayaa kaligiis ka dambeeyay weerarka, FBI-da ayaa sidaas sheegtay Khamiistii, iyadoo dib uga laabatay qiimeyn hore oo ay ku sheegtay in laga yaabo in ay dad kale kula jireen.

Waxa uu ku dhintay is-rasaasayn uu la galay booliska kadib weerarka, kaas oo sidoo kale lagu dhaawacay tobanaan qof, islamarkaana FBI-da ay ku tilmaamtay fal argagixiso.

“Waxa uu ahaa fal la sii qorsheeyay oo xun,” ayuu ku xigeenka agaasimaha FBI-da Christopher Raia ku sheegay shir jaraa’id Khamiistii, isagoo dib u xaqiijiyay go’aanka hay’adda ee ah in Jabbar ay dhiirigelisay kooxda Daacish.

Raia waxa uu sheegay in baarayaashu ay eegayaan “dariiqa xag-jirnimada” ee Jabbar, ayada oo aan weli la hubin sida uu isaga beddelay ruug-caddaa millatari, wakiil iibiya hantida maguurtada ah iyo shaqaale ka tirsanaa shirkadda weyn ee cashuuraha iyo la-talinta ee Deloitte, una noqday qof “100% ay dhiirigelisay Daacish.”

Calanka Daacish ayaa ka babanayay qalab saarnaa dhabarka dambe ee gaarigii uu soo kireystay ee loo adeegsaday weerarka.

In kasta oo si weyn loogu wiiqay olole millatari oo joogto ah oo ay wadaan isbahaysiga uu Maraykanku hoggaamiyo, haddana Daacish waxa ay sii wadaan in ay internet-ka ka qortaan dad taageera, sida ay leeyihiin khubarada.

Jabbar walaalkiis ayaa isna raadinaya jawaabo, isagoo sheegay in Shamsud-Diin Jabbar uu la tacaalayay sidii uu uga gudbi lahaa furriinka xaaskiisa ee dhowaan balse aysan ka muuqan wax caro ah toddobaadyo ka hor weerarka.

“Wuxuu ahaa mid caqli badan, qosol badan, soo jiidasho leh, dadka jecel, naxariis badan, is-hoosaasiiya oo xitaa aan dhibaateyn tixsi,” ayuu Abdur Rahim Jabbar u sheegay Reuters isagoo ku sugan gurigiisa oo ku yaalla Beaumont, Texas.

“Taasi waa sababta ay u tahay mid aad u argagax badan, heerkan xaasidnimadu ma ahan isaga oo kale. Waxaan isku dayeynaa inaan fahamno waxa isbeddelay sidoo kale.”

Waxa uu sheegay in aabbahood markii uu warkaas maqlay uu qalbi jabay.” (Aabaheen) wuxuu billaabay oohin, wuxuu lahaa ‘maya, maya, ma aha wiilkayga curadka ah,” ayuu yiyi Abdur Jabbar.

REUTERS + VOA

South Korea 4taa Janaayo 2025  Hay’adda la dagaalanka musuq-maasuqa ee Kuuriyada Koonfureed ayaa aroornimadi hore ee Jimcaha maanta ah ku dhaqaaqday fulinta waaran lagu soo xirayo madaxweynaha xilka laga xayuubiyay ee Yoon Suk Yeol.

Durbaba boqolaal taageerayaashiisa ah ay isugu soo baxay bannaanka hore ee gurigiisa oo ku yaala magaalada Seoul.

Taageerayaashiisa ayaa isku dayay in ay hor istaagaan ciidamada doonaya in ay xiraan madaxweynihi hore, hase yeeshee saraakiisha ayaa jiiray oo gudaha u galay aqalka madaxweynihi hore.

Balse, waxaa ka horyimid ilaalada gaarka ah ee Yoon, kuwaas oo diiday in la xiro. Qareenka Yoon Suk Yeol ayaa bayaan uu saakay soo saaray ku sheegay, in in waaranka lagu soo xirayo uusan sharci aheyn isla markaana ay tallaabo sharci ah qaadi doonaan.

Yoon ayaa waxaa ku socda danbi-baaris, kaddib marki uu ku guuldaresytay Amar deg deg ahaa oo geliyay Kuuriyada Koofureed saddexdi bishii December.

Xaaladdaasi deg-dega aheyd ayaa ka careysiisay inta badan shacabka Kuuriya iyo baarlamaankooda, kaddibna ugu danbeynti keentay in madaxweynaha xilka laga qaado. Wakaaladda wararka Kuuriyada Koofureed ee Yonhap ayaa ku warrantay in dowladdi diyaarisay ilaa 3,000 oo boolis ah, si loogu diyaar garoobo rabshado ay suuragal tahay in ay dhacaan.

Muqdisho 4taa Janaayo 2025 Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur uu Muqdisho ku soo dhaweeyay wafdi ka socda Dowladda Itoobiya ay hoggaamineyso Caa’isho Maxamed oo ah Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Itoobiya.

“Booqashadan ayaa qayb ka ahayd dadaallo socda oo lagu xoojinayo horumarka laga gaaray baaqii Ankara ee dhacay 11-kii Diseembar 2024,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay wasaaradda.

Dowladda Soomaaliya ayaa todobaadkii hore Addis Ababa u dirtay wafdi uu hoggaaminayo wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, halka Itoobiya ay hadda Soomaaliya u soo dirtay wafdi kaas la mid ah.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay hoosta ka xarriiqaysaa muhiimadda wadahadalladan heer sare ah oo laba geesoodka ah, kuwaas oo matalaya tallaabo weyn oo lagu xoojinayo xasilloonida gobolka, lagu kordhinayo kalsoonida labada dhinac, laguna xaqiijinayo ixtiraamka madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.” Ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS.

Intii ay socdeen wada-hadallada, Wasiirka Gaashaandhigga waxa uu carabka ku adkeeyay dadaallada socda ee lagu doonayo in lagu dhameystiro dhismaha howlgalka AUSSOM iyadoo loo marayo iskaashi laba geesood ah iyo mid dhinacyo badan leh.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay in ay ixtiraamto heshiisyadii hore, waxa uuna muujiyay sida ay u doonayaan in ay tixgaliyaan codsiga Itoobiya ee ah in ay ciidamo ku biiriyaan howlgalka AUSSOM,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Qoraalka DF Soomaaliya ayaa intaas ku sii daray, “Si waafaqsan go’aankeeda joogtada ah ee ku aaddan mabaadi’da Baaqa Ankara, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay fulinta heshiisyadii la gaaray. Waxay aaminsan tahay in mabaadi’da lagu sheegay bayaanka ay siinayaan aasaas adag oo dib u dhiska kalsoonida iyo kobcinta iskaashiga togan ee u adeega danaha la wadaago.”

Dowladda waxay maalmo yar ka hor Golaha Amaanka ka sheegtay in ciidanka Itoobiya uusan kamid noqon doonin AUSSOM oo ah hawl-galka cusub ee sanadkan beddelaya ATMIS.

Jubbaland 4taa Janaayo 2025  Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa mar kale qaaday tallaabo uga sii dareyso xiisadda xooggan ee haatan kala dhexeyso dowladda federaalka Soomaaliya oo ay isku qabteen arrimaha doorashooyinka dalka.

Jubbaland ayaa mar kale ku dhowaaqday dagaal horleh oo ay la galeyso dowladda dhexe, sida uu ka dhawaajiyay madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Maxamuud Sayid Aadan.

Qoraal uu soo saaray madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa lagu magacaabay guddiga oo 7 xubnood ah, kana kooban heer gobol iyo saraakiil ciidan, kuwaas oo loo xilsaaray inay isku daba ridaan ciidamada Jubbaland ee gobolka jooga, sida lagu sheegay warka qoraalka ah.

Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka uu yahay in ciidamadaasi ay difaacaan Jubbaland, sidoo kalena ay la dagaalamaaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

“Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Dowladda Jubaland, Mudane H.E Mohamud Sayid Aden  ayaa magacaabay Guddi ka shaqeyn doona abaabulka, diiwaangelinta, iyo isku dubaridka qeybaha kala duwan ee Ciidanka Dowladda Jubaland ee ku sugan Gobolka Gedo, si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo difaaca Dowladda Jubaland.” ayaa lagu yiri warqadda lagu magacaabay guddiga.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo haatan dowladda dhexe ay dhankeeda dhaq-dhaqaaq culus ka wado gobolka Gedo, oo ay ku daabushay ciidamo dheeraad ah.

Jubbaland ayaa si buuxda loogala wareegay degmooyinka Garbahaarey, Baardheere iyo Doolow, kadib markii dowladdu kala furfurtay saaxiibadii Axmed Madoobe kulahaa degmooyinkaasi.

WARARKA MAANTA 1da Janaayo 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta:Maxuuse Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye” u diiday inuu sameeyo #Maqaamka #Muqdisho? Naxuuse Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye” u barabiciyey shacabka #Muqdisho ku nool ee aan waxba haysan? Yaa kamid ah ganacsatada iibsanaysan dhulka hantida dadweynaha ee uu Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye” ka iibiyey? Naxay beesha caalamka u diiday inay wax dhaqaallo ah siiso xukuummadda fashilantay ee Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre “Marxuumka/Dhaweeye”? Yaa ka saaray #Ethiopia inay hawlfgalka ATMIS ka qaybgelin? Maxayse tahay sababta uu Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye” u rabo inuu burburiyo Dowladda Gobalaadka #Jubbaland> Maxayse tahay dagaalada ay hurinayso Dowladda Soomaaliya qabiilada dhexdooda?  Maxuu Madaxweyne Xassan “Dhuuso=Fooxiye” u diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah? Ha Wiqleyso! 

Xarardheere  1da Janaayo 2025  Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed  Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa xalay ku hoyday degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Odowaa ayaa laba qorshe oo xasaasi ah u tegay degmada Xarardheere, kuwaas oo la xiriira xaaladaha haatan soo kordhay, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Arrinta koowaad ayaa ah in taliyuhu dardar-gelinayo howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobollada dhexe, si loo xoreeyo deegaanada ka maqan dowladda.

Taliyaha ayaa sidoo kale saraakiisha ku amray in aysan ka maqnaan hal habeen talisyada ay xukumaan, iyadoo taliyihii jebiya amarkaas loogu goodiyey in xilka laga qaadi doono, lana reystey doono.

Sidoo kale arrinta labaad ayaa ah in Jeneraal Odowaa uu la kulmi doono ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo dhawaan gadood ka sameeyay aagga Xarardheere, iyaga oo aad uga xumaaday dhacdadii askartii lagu laayay ee dhowaan ka dhacday gobolka Shabeelaha Dhexe.

Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa la filayaa inuu qanciyo ciidamadaasi oo kasoo jeedo Hiiraan, si aysan uga soo bixin furimaha hore ee dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha xoogga ayaa hadda safar ku maraya furimaha dagaalka ee gobollada dhexe ee dalka, labadii habeen ee lasoo dhaafay wuxuu ku hoyday degmada Ceeldheer, weligeedna ma dhicin in taliyaha ugu sareeya militeriga Soomaaliya uu furinta joogo waqti intaas la eg, hadda ka hor.

Taliye Odowaa ayaa intii uu joogay Ceeldheer wuxuu kormeer uu ugu kuurgelayo xaaladooda ugu tagay Ciidamada Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha xaq u dirirka ah ee dadka degaanka ee ka howlgala Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Muqdisho 1da Janaayo 2025  Wasiirka Arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Xoosh oo ka hadlayay xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa soo hadal qaaday khilaafka culus ee haatan dowladda federaalka kala dhexeeyo maamulka Puntland.

Cali Xoosh ayaa tilmaamay in sababta illaa iyo hadda ay saaxadda uga maqan tahay Puntland ay tahay hoggaamiyaheeda oo ka carooday kursi uu waayay, iyada oo ay horay u jirtay inuu rabay in la siiyo xilka ra’iisul wasaaraha kadib dib u doorashadii Xasan Sheekh, balse madaxweynuhu door biday Xamza Cabdi Bare oo deegaan ahaan kasoo jeedo Jubbaland.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa dhanka kale rajo ka muujiyay in mar uun miiska wada-hadalka ay kusoo laaban doonto Puntland, xalka la gaari doono.

Waxaa kale oo uu intaas kusii daray in ka go’antahay in dalka meelaha nabadda ah ee la gaari karo laga qabto doorashooyinka qof iyo cod ah, kahorna la xallinayo tabashooyinka.

“Puntland way imaanaysaa, talo ayayna ku imaanaysaa. Soomaaliya ayayna qeyb ka tahay, kamana maqnaan karto, qof gooni ahna damiciisa kulama maqnaan karo. Puntland dadkeedu marna kuma jirto inay Soomaaliya ka go’aan ama ka maqnaadaan. Hoggaamiye carooday oo kursi maalin u carooday hadduu weli ku maqan yahay, isaguna wuu imaanayaa,” ayuu yiri Cali Xoosh.

Ninkan oo deegaan ahaa kasoo jeedo Puntland ayaa mar kale ku celinayay in aan marnaba dib ugu laaban doonin doorashooyinkii dadbanaa ee lasoo maray, awoodana loo celinayo shacabka, si ay usoo doortaan hoggaankooda

Jubbaland iyo Puntland ayaa hadda maqan, waxaana si weyn ay uga soo horjeesteen qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorashooyin qof iyo cod ah

Muqdisho 1da Janaayo 2025 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa kula yeeshay haweenka ololaha hooyo u hiilli qaranka.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay kaalinta ay haweenka ku leeyihiin dib-u-heshiisiinta iyo wacyi-gelinta bulshada ee hirgelinta doorasho qof iyo cod oo laga bilaabi doono gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey haweenka Soomaaliyeed doorka muuqda ee ay ka qaateen difaaca dalka, sugidda amniga, garab istaagga ciidamadda qalabka sida, xallinta khilaafaadka, horumarka dalka iyo dowlad dhiska Soomaaliya.

“Haweenka Soomaaliyeed waxaan uga mahad-celinayaa doorka ay ka qaateen dagaalka Khawaarijta dalka looga sifeynayo,” ayuu yiri ra’iisul wasaare oo hadal u jeediyey haweenkii uu la kulmay

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan u qiraya (haweenka Soomaaliyeed) kaalinta ay ku leeyihiin dhiirri-gelinta ciidamada ku sugan furimaha dagaalka, taas oo ah mid muuqata oo muhiim u ah dib-u xoreynta dalkeenna.”

Mudane Xamza ayaa xusay in haweenka Soomaaliyeed laga doonayo waqtigan in si wadajir ah loo hirgeliyo hiigsiga qarankeenna, si aynu uga dhabayno Soomaaliya nabad ah, xasilloon, oo horumar waara gaarta.

Muqdisho 1da Janaayo 2025 Waxaa maanta isku shaandheyn lagu sameeyay agaasinka Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia, iyadoo xilalka loo kala beddelay qaar kamid ah agaasimayaasha madaxtooyada.

Sidoo kale waxaa wareegtooyinkan oo kasoo baxay Villa Somalia lagu magacaabay agaasamiyaal cusub, halka kuwii hore lagu sameeyay qaarkood isku beddel.

Agaasimahan warfaafinta iyo xiriirka warbaahinta ayaa loo magacaabay Maxamed Aadan Maxamed (Dugoow), oo isagu horay u ahaa agaasimaha arrimaha bulshada ee Madaxtooyada.

Halka agaasimaha arrimaha bulshada loo magacaabay Cabdiraxmaan Maxamed Xasan Xudeyfi oo horay u ahaa afhayeenka iyo ku-simaha agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada.

Hoos ka aqriso liiska oo dhameystiran;

1. Maxamed Aadan Maxamed (Dugoow), agaasimahan warfaafinta iyo xiriirka warbaahinta.

2. Cabdiraxmaan Maxamed Xasan Xudeyfi, agaasimaha arrimaha bulshada ee Madaxtooyada.

3. Cabdiraxmaan Aadan Cali (Xadaana), afhayeenka Madaxtooyada.

4. Samatar Shariif Axmed, agaasimaha waaxda Iibka.

5. Xuseen Yuusuf Cali (Ladane), agaasimaha cusub ee waaxda adeegga guud.

6. Ladan Cabdikhayr Cilmi, gaasimaha waaxda maamulka iyo maaliy7. Mowliid Ibraahin Xasan, agaasimaha waaxda la socodka iyo qiimeynta (M&E).

8. Mohamed Salad Ahmed (Barre), madaxa xafiiska agaasimaha guud ee Madaxtooyada.

Adda

Maraykanka 1da Janaayo 2025 Ugu yaraan 10 qof ayaa dhintay, 30 kalena waa ay dhaawacmeen ka dib markii baabuur la jiirsiiyey dad ku sugnaa goob caan ah oo dadka dalxiisayaasha ah ay ku badan yihiin, taas oo ku taalla magaalada New Orleans, gobolka Louisiana ee dalka Maraykanka, sida uu sheegay maamulka magaalada.

Barnaamijka U-diyaar-garowga Xaaladaha Degdegga ah ayaa sheegay in maamulka degmada 8-aad uu ka shaqeynayo caawinta dad badan oo dhaawacmay ka dib markii baabuur la jiirsiiyey dad badan oo ku sugnaa inta u dhaxaysa labada waddo ee Canal iyo Bourbon.

Toban qof ayaa dhintay 30 kalena way dhaawacmeen, ayaa lagu yiri warbixinta maamulka.

Qofka lagu tuhunsan yahay inuu fuliyey falkan ayaa geeriyooday kadib markii ay rasaas is-weydaarsadeen booliska, sida ay sheegeen saraakiisha sharci-fulinta.

Hay’adda FBI-da ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay weerarka u baareyso “ficil argagixisanimo, ayada oo kaashaneysa hay’adaha kale.”

Alethea Duncan oo ah kaaliyaha wakiilka FBI-da ee xafiiska New Orleans ayaa sheegtay inay sidoo kale baarayaan ugu yaraan hal aalad oo la tuhunsan yahay inay tahay walxaha qarxa oo goobta laga helay.

Isha: VOA