WARARKII HORE

WARARKA MAANTA September 22, 2016

War Saxaafadeed
Puntland State September 22, 2016 Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo maanta caddeeyey inuu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xaassan Shiikh Maxamuud galay dembi khiyaano qaran asagoo dhulka Soomaaliyeed ee ay xoogga ku haysato dalka Ethiopia ku sheegay inay leeyihiin dalka Ethiopia markii uu booqday magaalada Jigjiga ee caasimadda Ismaamulka Dowlad Gobaleedka Soomaaliya ee ay weli si qaldan ku maamusho dalka Ethiopia.
 
Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo qiray inuu galay qalad siyaasaddeed isla-markaasna cafis waydiistay Ummadda Soomaaliyeed gudaha dalka iyo dibadabba asagoo sheegay inuu ka xun yahay hunguri xummada dowladda Kenya ee ay rabto inay dhul baddeed Soomaaliyeed been ku qaadato isla-markaasna ay ka qodoto shidaal iyo khayraad kale oo badan oo Illaahay ku mannaystay Ummadda Soomaaliya.
 
Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo sheegay inuu arrinta ka xun yahay ayaa mar uu safar ku tahau dalka UK magaalada London waxuu si cad u sheegau inay dowladda Kenya wado qalad khiyaano ah oo ay rabtay inay badda Soomaaliya uga gurato khayraadka ceegaaga.
 
Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo nasiib-daroo ku tilmaamay inuu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xassan Shiikh Maxamuud uu ku tallogalay inuu tartanka doorashadda 2016 ee xilka jaggadda madaxweynaha Soomaaliya 2016 qalqal ka galiyo ragga uu uga baqayo inay kaga guullaysan karaan doorashadda taasoo uusan waxba u qaban Ummadda Soomaaliyeed muddadii 4 sanno ee uu soo hayey xilka balse waa run in aniga iyo golihii wasiiradda aan si wada-jir ah u saxiixnay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee “MOU”, waxaana diyaar u nahay in aan ka garbaxno Ummadda Soomaaliyeed balse maxauu ku hadli doonaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xassan Shiikh Maxamuud wixii uu ka dhex yiri Jigjiga?
 
Waad Mahadsan Tihiin,
 
Ra’iisal Wasaare Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake
 
https://www.youtube.com/watch?v=LtRIRwd–Cc

WARARKA MAANTA September 21, 2016
Muqdisho Septeembar 21, 2016 Musharaxa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud ayaa sheegay in heshiis dhawaan ay kala saxiixdeen maamulka Somaliland iyo Sharikadda Dekadaha ee Imaaraat-ka uu yahay mid sharci darro ah.

Xasan Sheekh waxaa uu sheegay in heshiiskaas uusan ahayn mid sharciyad heysta maaddaama aan Dowladda Soomaaliya lagala hadlin,islamarkaana Imaaraat-ka ay heshiis la gashay maamul ka tirsan Soomaaliya oo aysan ogeyn Federaalka Soomaaliya.

Dekadda Magaalada Berbera ayuu sheegay in ay ka mid tahay dhulka Soomaaliyeed Imaaraat-ka iyo maamulka Somaliland heshiiska dhexmarayna uusan ahayn mid heysta sharciga dekadaha ee caalamiga ah ama midka ay ku heshiiyaan laba dowladood.

Maamulka Somaliland iyo Imaaraat-ka Carabta ayaa ku heshiiyay in Dekadda Berbera dib u dhis ay ku sameyso hay’adda DPWorld ee Imaaraat-ka islamarkaana geliso lacag ka badan $400Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Heshiiskaas ayaa qeexaya in Hay’adda DPWorld qaadato 65% Dakhliga ka soo xarooda Dekadda islamarkaana maamulka Maamulka Somaliland uu qaato 35%.

Muqdisho Septeembar 21, 2016 Ra’iisulwasaaraha Ingiriiska Theresa May oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeedisay shirkii 71aad ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ka hadashay arimo badan oo khuseeya arimaha Soomaaliya.Theresa May ayaa sheegay in dowladda ingiriiska ay taageero weyn u fidin doono dalka Soomaaliya.

Ra’iisulwasaaraha dalka Britain ayaa sheegay in dowladda Ingiriiska ay diyaar u tahay in ay laba jibaarto taageerada ciidan ee ay siiso dowladda Soomaaliya.Theresa May ayaa sheegtay in  beesha caalamka looga baahan yahay in ay laba jibaaraan taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya.Waxa ay hoosta ka xariiqday in dowladda ingiriiska ay kordhin doono ciidamada ka jooga Soomaaliya , waxaana ay sheegay in dowladda Ingiriiska ay diyaar u tahay in ay hormuud ka noqotay weerarada lagu qaadaayo Al-Shabaab. Theresa May ayaa beesha caalamka ugu baaqday in ay muhiim tahay in ay isgu yimaadaan shir weyne caalami ah oo looga hadlaayo arimaha Soomaaliya , islamarkaana dhaqaalo loogu aruurinaayo dalka Soomaaliya.

Muqdisho Septeembar 21, 2016 horjeedo in gorgortan iyo Wada hadal ay gasho Badda Soomaaliya.

Banaanbaxa ayaa waxaa agaasimay oo abaabulka Wada Maamulka Gobolka Banaadir, Waxaana ka qeyb galay shacab fara badan oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir.

Sidoo kale Banaanbaxa ayaa waxaa ka qeyb galay madax ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda Soomaaliya.

Shacabk ayaa watay boorar ay ku xardhan yihiin sida dowladda Kenya ay ugu soo gardarootay badda Soomaaliya.

Shacabka ayaa ku qeylinaayay badeeno iib mahan , mana aqbali doono in ay Kenya Qaadato badeena.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

banaabax 14441156_958133817631560_5964209607680952984_n 14441060_958133787631563_169004203436266487_n 14370102_958133857631556_5839823386796059086_n-3 14370102_958133857631556_5839823386796059086_n-1-2 14370102_958133857631556_5839823386796059086_n-1 14370102_958133857631556_5839823386796059086_n

Hiiraan Septeembar 21, 2016 Nabadoon C/llaahi Cabdi oo ka mid ah Nabadoonada gobolka Hiiraan ayaa sheegay in la Magacaabay Guddi ka shaqeynaya dhismaha Maamul u gaar ah shacabka gobolka Hiiraan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in shacabka gobolka Hiiraan ay yihiin shacab isku filan oo sameysan kara Maamul u gaar ah sida uu sheegay Nabadoonka.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in aysan marnaba ogoleyn in ay tagaan Magaalada Jowhar kana qeyb galaan Shirka ka soconayo Magaaladaasi.

Nabadoon C/llaahi Cabdi ayaa sidoo kale sheegay in aysan weli heshiis ahayn beelaha dega gobolka Hiiraan isla markaana weligood ay iskhilaafsanaayeen sida uu sheegay.

Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa weli ka soconayo shirar gaar gaar ah oo loogu soo horjeedo dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe ee gogoshiisa ay taalla Magaalada Jowhar iyo qaabka ay Dowladda iyo Urur goboleedka IGAD a wax u wadaan.

Kenya Septeembar 21, 2016 Dowladda Kenya ayaa ku hanjabtay in ay xireyso xeryaha Qaxootiga ee dalka Kenya hadii beesha caalamka aysan bixin dhaqaalihii loogu talagay in lagu taageero qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.

Wasiirka arimaha gudaha dowladda Kenya ayaa markale ku hanjabay in dowladda Kenya ay Al-baabada isku dhufan doono xerada Qaxootiga ee Dhadhaab hadii aysan aan la bixin dhaqaalihii loogu talagalay qaxootiga Soomaaliyeed ee kunool Xerada qaxootiga ee Dhadhaab.

Joseph Nkaissery ayaa sidoo kale sheegay in  Qaxootiga Soomaaliyeed ee kunool ee xeryaha ay haysataan dhibaatooyinka kala duwan, sidaas darteedna loo baahan yahay in la caawiyo.

Dowladda Kenya ayaa horay ugu dhawaaqday inay xirayso xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma iyadoo ugu baaqday beesha caalamka inay qayb ka qaadato culayska qaxootiga uga iman kara xiritaanka xeryahaasi.

Kumanaan Soomaali ah ayaa ku nool xerada Dhadhaab kuwaas oo deganaa tan iyo sanadkii 1991, waxaana shaqaale ka ah xeryahaas caruurtii ku dhashashay.

Dowladda Kenya ayaa horay ugu hanjabtay in ay xireyso xerada qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya , laakiin cadaadis ka yimid dowladdaha Caalamka iyo sidoo kale hay’ada u dooda xuquul aadanaha ayaa dowladda Kenya go’aankaasi kalaabatay.

Baudhabo Septeembar 21, 2016 Kulankan oo loogu magacdaray socdaalka Nabadda ayaa lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay,

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed, Kan Degmada, Galbeed, Waxgarad, Ururka Haweenka iyo Dadweyne kale oo aad u fara badan kuwaas oo ka kala yimid xafadaha ay ka koobantay Magaalada Baydhabo.

kulankan ayaa waxaa lagu soo bandhigayay Nabada iyo Hormarka ka jirta Deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed, maadaama loogu magacdaray Socdaalka iyo Nabadda.

mas’uuliyiinytii goobta ka hadashay waxaa ka mid ahaa Kusimaha Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Xasan Fiqi Wasiirka War faafinta iyo xubno kale oo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyntii Wasiirka Hub ka dhigista iyo Dhaqan celinta Maleeshiyaadka Maamulka Koonfur Galbeed Xasan (Eelaay) ayaa shacabka Koonfur Glabeed ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan Hormarka iyo Nabadda.

Muqdisho Septeembar 21, 2016 Warar rasmi ah oo aan ka helnay magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya ayaa sheegaya in uu berri qorshuhu yahay in uu magaaladaas gaaro Madaxweynihii hore ee dawladdii KMG ahayd Shariif Sheekh Axmed oo hadda kusugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Saaxiibada Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa saacadihii ugu dambeeyey soo gaaray Muqdisho, sidaas oo kale maleeshiyaad cusub oo kamid ah beesha Shariif ayaa soo galay gudaha caasumada Soomaaliya.

Xubno katirsan Kooxda Aala Sheekh ayaa sheegay Dowlada Soomaaliya ay diiday warqada ogolaanshiyaha in shacabka magaalada Muqdisho ay si weyn usoo dhaweeyaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, waxaana taa badalkeeda la ogolaaday in tiro yar kaliya ay soo dhaweeyaan Sheekh Shariif.

Warqada looga dalbanayo ogolaansho in si balaaran Sheekh Shariif loogu soo dhaweeyo Magaalada Muqdisho ayaa loo geeyay Wasaarada Amniga, waxa ayna Wasaarada ku wargalisay kooxda Shariif Sheekh Axmed in ay u tagaan Madaxweyne Xasan kana soo codsadaan fasaxa, taa oo u muuqatay xujo adag.

Kooxda uu hogaamiyo Madaxweynaha dawladda Faderaalka Xasan Sheekh Maxamuud waxay si cad u diidey in lasoo dhaweeyo Musharaxiinta u taagan Madaxweyne-nimada Soomaaliya, waxaana cadaadis xoog badan lagu saaray arrimaha Siyaasiinta Soomaalida.

Sheekh Sariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa taageero badan ku dhax leh bulshada Soomaaliyeed, waxa uuna kamid yahay Xubnaha loo saadaalinayo in ay ku guuleesan karaan doorashada Madaxweynaha Soomaaliya hadii uu shaaciyo in uu tartamayo.

Muqdisho Septeembar 21, 2016 Sida ay Wakaalada Warqaad duhurnimadii maanta baahisey in qarax xoogan uu ka dhacay Meel kud haw Isgoyska Jubba Ee Magaalada Muqdisho ayaa warar dheeraad ah laga helayaa.

Qaraxa ayaa ahaa miino lagu soo xiray gaariga waxaana lala Eegtay Sargaal la sheegay inuu katirsanaa Ciidanka Amniga Soomaaliya.

Marxuumka dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Shuuriye oo xubin ka ahaa Nabad Sugida Soomaaliya islamarkaana Qaraxa uu ku geeriyooday.

Waxa Axmed Shuuriye la socday gaariga xilliga la qarxinayey labo qof oo NISA iyaguna katirsanaa,mana jirto cid sheegatay dilka Sargaalkaasi.

Muqdisho Septeembar 21, 2016  Madaxweynihii hore ee Soomaaliya  oo mar kale ku baaqay in la dhowro nidaamka iyo habraaca doorashada 2016-ka

Muqdisho, 21 September 2016 (Villa Somalia)—Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku baaqay in la dhowro nidaamka doorashada 2016 ee la filayo in dhowaan ay dalka ka dhacdo, gaar ahaan ilaalinta xuquuqda musharixiinta iyo hawlwadeenada doorashada.
xasan-sheekh23

“Waxaa lagu jiraa marxalad taariikhi ah oo lagu go’aaminayo aayaha siyaasadeed ee waddankeena muddo 47 sanno kadib. Si fursaddani ay u noqoto mid waxtar u leh dalka iyo dadka waxaa lagama maarmaan ah in la dhowro habraaca doorashada ee ay horkacayaan guddiyada doorashada ee heer federal iyo heer dowlad goboleed’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa mar kale ku celiyay inay Dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo guddiyada doorashooyinka dadban ee heer federal iyo heer dowlad goboleed ay ka go’an tahay in la ilaaliyo jadwalka doorashooyinka sidii horey loogu heshiiyay.

Bishan September 25 keeda ayaa waxaa la filayaa inay bilowdaan doorashooyinka labada aqal (Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare), iyadoo bisha October 25-keeda la dooran doono Guddoomiyaha Baarlamaanka. Doorashada Madaxweynaha ayaa iyana dhici doonta bisha October 30-keeda.

Waxaa uu Madaxweynaha intaa ku darey in loo baahan yahay in la ilaaliyo lana xurmeeyo xuquuqda musharixiinta, odayaasha dhaqanka, nabaddoonada, ergada wax dooraneysa iyo hawl-wadeenada doorashada.

“Dhowrista habraaca doorashada waxaa sal u noqonaya in la xurmeeyo hannaan kasta oo sax ah oo doorashada lagu suuragelinayo. Musharixiinta xuquuqdooda waxaa ka mid ah inay si nabad ah u qabtaan ololahooda iyo barnaamijyadooda siyaasadeed ee doorashada. Dimoqraadiyadda iyo xorriyatul qowlka mas’uuliyadda ku saleysan ayaa na faraya in musharixiinta ay noqdaan kuwo si hufan, waddaniyad leh u soo bandhigaan barnaamijyadooda siyaasadeed iyagoo qiimeynaya duruufaha dalku ku jiro iyo baahida loo qabo dar-dargelinta dib u heshiisiinta iyo dib u soo celinta kalsoonida shacabka ka dhexeysa’’.

Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa dhowaanahan soo gaarayey warar sheegaya inay jiraan musharixiin ololahooda doorashada ay carqaladeeyeen laamaha dowladda, waxaana Madaxweynaha oo ka jawaabaya eedeymahaasi uu ku tilmaamay inay yihiin dacaayado wax loogu dhimayo laamaha amniga iyo sumcadda musharixiinta.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu kalsooni buuxda ku qabo laamaha amniga, haddana uu farayo in laamahaasi ay si buuxda u ilaaliyaan, isla markaana u dhowraan xuquuqda musharixiinta iyo barnaamijyadooda siyaasadeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale waxaa uu hay’adaha Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada farey inay ka wada shaqeeyaan sidii doorashada ay ku najixi lahayd.

WARARKA MAANTA September 20, 2016

Muqdisho Septeembar 20, 2016  Ra’iisul Wasaaraha hore ee Soomaaliya khaa’inul waddan Cumar C/rashiid Cali Sharmake iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa ka degay Magaalada Garowe ee Caasimadda Dowlad Gobaleedka Puntland.

Qaban qaabada soo dhaweynta Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee ku sifooway khaa’inul waddan Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake  ayaa ka socota Magaalada Garowe,waxaana Magaalada Garowe lagu arkayaa Gaadiid lagu dhajiyay Sawirada Ra’iisul Wasaare  Sharmaake.

Wararka  ayaa intaa ku daraya Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu Magaalada Garowe ka shaacin doono Musharaxnimada Xilka Madaxweyne ee 2016.

Ammaanka Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ayaa Maanta si weyn loo adkeeyay.

https://www.youtube.com/watch?v=BkEEt4ItYEI

Muqdisho Septeembar 20, 2016 Madaxweynaha Jamahuuriyada Federaalka Ah Ee Somalia ayaa ka hadlay Dacwada badda ee u dhaxeeysa Dowladaha Kenya iyo Somalia oo maanta ka bilaabmeeysa Dalka Holand.

Madaxweyne Xasan Sheekh Ayaa sheegay in aanay Gor Gortan ka gali Doonin Soomaaliya biyaheeda waxaana uu sheegay in uu rajeeynayo in maxkmadaasi ay si cadaalad ah ku soo dhamaato.

Xasan Sheekh Ayaa sheegay in Wax walbiga ay ku bixi Doonaan Sidii Soomaaliya Guul Ay ugu Soo hooy laheyd Maxkmadaasi.

Dowlada Somalia ayaa waxaa muran dhanka badda ah uu kala dhaxeeyaa Dowlada Wadanka Kenya waxaana Xusid Mudan in maanta oo Isniin ah ay bilaabantay maxkmada Somalia iyo Kenya.

Muqdisho Septeembar 20, 2016 Video gaaban ee dooda dacwadda badda Soomaaliya.

https://www.youtube.com/watch?v=8XwZ0yRUiwY

Muqdisho Septeembar 20, 2016 Wasiirkii hore ee Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah C/raxmaan C/shakuur Warsame oo hadda ah Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa jawaab ka bixiyay eedeynta loo jeediyay ee ah inuu Badda Soomaaliya iibsaday.

Musharax ayaa ololaha ka socda baraha bulshada ee dhanka ah isaga, Cumar C/rashiid iyo Sheekh Shariif ku sheegay inay wadaan kooxo abaabulan oo u adeegaya musharixiin kale. Isagoo ku dooday in heshiiska uu saxiixay ee MOU uu yahay mid difaacaya wax uu ku sheegay danaha Soomaaliyeed ee qalfoof badeedka.

Fariin uu soo dhigay bartiisa facebook hoos ka akhri.

1- Waxaan aad ugu kalsoonahay kartida iyo xirfadda garyaqaanadda Soomaaliya u metelaya dacwadda Maxkadda Caalimga ee Heeg ka socota.

2- Waxaan ku kalsoonahay in MoU aan saxiixnay 2009 uu difaacayo danaha Soomaaliya khuseeyana qalfoof badeedka ( continental shelves) oo uu san shaqo ku lahayn xuduud badeed (Maritime bounders). Waxaan taas cadayn doona dooda Qareenadda Soomaaliya metelaya. MoU wuxuu fure u yahay in dacwadda Maxkadda la keeno maadaama wadooyinkii wadahadalka ay soo xirmeen.

3- Waxaa baraha warbaahinta ka socda dacaayad iyo Olole siyaasadeed oo ka dhan Aniga, Shiekh Sharif iyo Cumar C/rashiid kasoo ay wadaan kooxo abaabulan, oo uu adeegaya musharraxiin kale. Waxaa haboon in aan Qadiyad heer Qaran joogta hanti qaranna ah loo adeegsan Olole doorasho oo lagu dhawaacayo sumcadda iyo sharafta masuuliyiin iyo musharraxiin kale. Madaxda iyo Musharraxiinta arrinkaan ku hawlan Waxaan leenahay “Waa ceeb in aad biyo calaw ah ka kaluumaysataan”.

4- Maadaama aan dan guud ka shaqayno waxaan u bareeenay in aan dulqaad u yeelano aflagaadadda, been abuurka iyo buhtaanka, waana wado na looka horeeyey. Sayidunaa Caa’isha ayaa lagu been abuurtay ilaa heer Nabiga iyo xigtadiisa ay ku kala dhinteen, markii danbe uu Ilaaheey beri yeelay. Waxaan ugu baaqaynaa in aan laga hordhicin dooda qareenadda lagana warsugo jawaabta ay bixiyaan.

5- Waxaan diyaar u ahayn in si buuxda u qaado masuuliyadda wixii aan ku gabood falnay, Waa in sidaasoo kale aan wixii guul ahna aan abaalkeeda u yeelanaa

shakuur

Muqdisho Septeembar 20, 2016 Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, haddana ah musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa kashifay sir badan oo ku saabsan kiiska dacwadad Badda Kenya iyo Soomaaliya. Kiiska oo hadda ka socda Maxkamadda Cadaalada Adduunka ee Hague dalka Holland ayaa Tarsan uu warbixin xasaasi ah ka bixiyay heerkii uu soo maray, wuxuuna rajo xumo ka muujiyay in Soomaaliya ay ku guuleysan karto dacwadaasi.

 Mudane Tarsan wuxuu kashifay inay Kenya heysato dhowr heshiis iyo qoraalo ay madax Soomaaliyeed saxiixeen oo uu ka mid yahay.

 Warqad uu qoray Cumar C/rashiid oo uu ku burinayo markii Baarlamanaka KMG ahaa laalay heshiiskii is-afgaradka ee Badda.

 Heshiis kale oo dowladda Kenya ay ka saxiixatay wasiirka arrimaha dibadd Soomaaliya ee hadda C/salaan Hadliye Cumar oo isna qoraya in wixii khilaaf ah ee labada dowladood lagu xaliyo wadahada

Muqdisho Septeembar 20, 2016 Iyadoo uu wali socdo kiiskii dacwadda badda ee Soomaaliya ayaa dowladdu waxaa ay soo-jeedin afka ah ka samayn doontaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (“ICJ”) ee Magaalada Heague, Dalka Netherlands, taasoo qeyb ka ah diidmada hordhaca ah ee 7-dii October 2015 ay soo jeedisay dowladda Kenya ee ka dhanka ah kiiska calaamadaynta soohdinta badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u gudbisay Maxkamadda 28-kii August 2014.

Dowladda Soomaaliya waxaa ay weydiisan doontaa in ay Maxkamaddu diidmada hordhaca ah ee Dowladda Kenya ay go’aamiso in ay tahay waxba kama jiraan aan qiil haysan. Dowladda Soomaaliya ma rumaysna in Is-afgaradka 7-dii April 2009 dhexmaray Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Kenya uu sal u noqon karo hannaan lagu xalin karo khilaaf, iskaba daa in uu noqdo habka kaliya ee khilaaf lagu xalin karo. Sidaa darteed, Dowladda Soomaaliya ma aragto wax caqabad ah oo Maxkamadda u diidaya in ay qaaddo dacwaddaan. Dowladda Soomaaliya waxay aad ugu kalsoon tahay sharciyadda kiis-keeda, waxayna Maxkamadda uga fadhidaa go’aan xaq iyo cadaalad ku dhisan.

Labadaba Shacab ee Soomaaliya iyo Kenya waxa ay wadaagaan xiriir dhaqan iyo mid taariikheed oo qoto dheer oo meesha aanu ka saari karin khilaaf soo kala dhex gala. Xaqiiqadu waxa ay tahay in aayaha shucuubta Soomaaliya iyo Kenya uu yahay mid isku xiran. Sidaa darteed Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay sii waddo in ay wadashaqeyn dhow la lahaato walaalaheeda Kenya si looga wada shaqeeyo arrimaha kale ee muhiimka ah ee labadda Dal iyo Gobolkaba.

Muqdisho Septeembar 20, 2016 Wararka naga soo gaaray Isgoyska KM 4 ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamada Nabad sugid iyo sidoo kale Booliska Soomaaliyeed uu halkaasi ka dhacay.

Inta la xaqiijiyay 1 askari oo ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku dhintay 2 kalena dhaawac ayaa soo gaaray.

Dadka goobjoogaal ah ayaa Warbaahinta u sheegay in uu iska hor imaadka uu socday muddo ku dhow 30 daqiiqo.

Wali lama oga sababta ka dambeysay iska hor imaadka dhexmaray ciidamada Nabad suggida iyo sidoo kale Booliska Soomaaliyeed.

Garoowe Septeembar 20, 2016 Maamulka Puntland ayaa xukuno kala duwan ku riday 54 ka mid ah dhalinyaradii ka tirsaneyd Ururka Al Shabaab, kuwaasi oo lagu qabtay dagaaladii Shabaab ay ku qaaden Gobolka Mudug iyo Gobolka Nugaal ee Puntland.

Maxkamada ciidamada Qalabka sida ee Puntland ayaa maanta oo Talaado ah u fariisatay xukunkaan lagu riday xubnahaan Shabaabka ka tirsan ee ku xirnaa Xabsiga Magaalada Garowe.

Xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida Puntland Cabdkariin Xasan Firdhiye ayaa saxaafada u sheegay in la xukumay 28 ka mid ah Shabaabkii da,doodu u dhaxeysay 18 jir iyo 15, kuwaas oo lagu riday xukuno u dhexeeya 15 ilaa iyo 20 sano oo xarig ah.

Firdhiye wuxuu sidoo kale sheegay in qaarka soo haray oo ay dadoodu u dhaxeyso 15 ilaa iyo 10 sano jir islamarkaana tiradoodu dhan tahay 26 maxbuus in lagu xukumay dhaqan celis lagu sameeyo.

Dhalinyaradan kuwa dhaqancelinta lagu xukumay ayaa ah kuwa da’dooda aad u yar tahay oo uusan qaban karin Xukunka Maxkamada Millateriga sida uu qabo Xeerka ciqaabta Somaliyed.

Maamulka Puntland ayaa horay xukun ugu riday 43 ka mid ahaa ragga Shabaabka ee lagu qabtay dagaalada aaga Toga Suuj iyo Garmaale ee Gobolka Nugaal.

Al Shabaab ayaa dagaalada iyo dilalka qorsheysan u adeegsada dhalinyarada da’dooda ay yar tahay  ee sida qaldan ay uga dhaadhiciyaan fekerka ku aadan dagaalada ay Somaliya ka wadaan.

Muqdisho Septeembar 20, 2016 Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa Maanta dhagax dhigay Xarun Cusub oo ay ku shaqeynayaan qeyb ka mid ah Ciidanka Ilaalada Wadooyinka ee Taraafiko.

Taliyaha ayaa sheegay in Xaruntaan ay tahay mid Muhiim ah oo loo baahan yahay in dhismaheeda laga wada qeyb qaato.

Taliyaha ayaa sidoo kale ka sheekeeyay hormarada Ciidanka Booliiska Soomaaliya iyo isbadalka ku socda gaar ahaan qeybaha Tababarada iyo qalabeynta.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa hogaanka iyo Ciidanka Ilaalada Wadooyinka ee Taraafiko ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dhismaha Xaruntaan.

Waxa uu sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in loogu baahan yahay in ay ka qeyb qaataan dhismaha Xaruntaan.

WARARKA MAANTA September 17, 2016
Muqdisho Septeembar 17, 2016 Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Shiikh Cismaaan oo ku wargeliyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xassan Shiikh Maxamuud inuu si deg deg ah uga guuro aqalka madaxtooyadda ee Villa Soomaaliya ayadoo kuu u cuskaday qoddobada dastuuriga ah ee kala ah qoddobka 91aad iyo qoddobka 92aad. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xassan Shiikh Maxamuud waxuu xilka si hoos hoos ah ugu wareejiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Shiikh Cismaaan taariikhdu marka ay ahayd Septeembar 13, 2016. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Shiikh Cismaaan oo xaqiijiyey inuu
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xassan Shiikh Maxamuud la mid yahay musharaxiinta u taagan jaggadda madaxweynenimada isla-markaasna uusan awood u lahayn inuu musharaxiinta kale ka xigsado hawlaha iyo wixii kawada dhexeeya Ummadda Soomaaliyeed hanti iyo iwm.

Muqdisho Septeembar 17, 2016 Musharaxa Madaxweyne ee Dalka C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa Madaxda Dowladda ugu baaqay in aysan kala qeybin shacabka gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Waxa uu sheegay in shacabka gobolka Hiiraan uu yahay Shacab Mideysan isla markaana ay yihiin dad jecel midnimada iyo ka shaqeynta Nabada.

Waxa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in la dhageysto Fikirka iyo aragtida shacabka gobolka Hiiraan isla markaana la tixgeliyo rabitaankooda.

Puntland Septeembar 17, 2016Waa Arin kale oo Saameynteeda yeelan doonta oo ku dhawaaqday Maamul Gobolleedka Puntland hadii aysan ka laaban sida la odorasayo.

Waxaa lasoo sheegayaa in Puntland diiday Shidaal laga soo canshuuray kana soo dagey Dekadaha Waddanka Jabuuti iyo Mida Deegaanada Maamulka Soomaaliland.

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Duulista Hawada iyo Garoomada Maamulka Puntland Cusmaan Cali Yuusuf oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in la dhameystiray dhismaha Garoonka Diyaaradah Boosaaso.

Cusmaan Yuusuf waxa uu sheegay inay hadda ka dib ogolaan doonin shidaal laga soo canshuuray Soomaaliland iyo Jabuuti sida uu hadalka udhigay.

Puntland ayaa waxa ay arintaan ay ku dhawaaqday kusoo beegmeysaa xilli sidoo kale ay dhawaan xiratay Xuduuda ay la wadaagto Deegaanada Koonfurta Soomaaliya.

AMISOM Septeembar 17, 2016 Musharaxa Madaxweyne ee Dalka Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ka mid ahaa Siyaasiyiinta shalay gaartay Magaalada Baladweyne ayaa sheegay in Madaxweynaha uu dano gaar ah ka wato dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxweynaha iminka uu yahay Mid sharci daro Kursiga ku fadhiyo oo aan Magacaabi Karin Xitaa Agaasime Guud.

Waxa uu xusay in Shacabka Hiiraan iyo Sh/Dhexe loo quuri waayay in loo Madax banaaneeyo dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Waxa uu si kulul kaga hadlay Safarkii Madaxweynaha ee Magaalada Jowhar iyo Hadaladii uu ka jeediyay Shirkii ka dhacay Magaalada Jowhar.

Pentigon Septeembar 17, 2016 Xafiiska gaashaandhigga ee Maraykanka ayaa sheegay in weerar xagga cirka ah oo ay qaadeen xulafada ka dagaallamaysa Suuriya lagu dilay nin lagu tilmaamay inuu ahaa hogaamiye sare oo ka tirsan kooxda dawladda islaamiga, meel u dhow magaalada kooxdaas ay xoogga ku leeyihiin ee Raqqa.

Hadal uu soo saaray Pentagon-ka ayaa lagu sheegay in lagu dilay nin magaciisa loo yaqaanno Dr Wa’il, ama Wa’il Caadil Xasan Salman Al-Fayad.

Ninkaas ayaa la sheegay inuu ahaa wasiirka warfaafinta ee kooxda IS, oo uu muraaqabayn jiray soo saarista fiidiyowyada borobagaandada ah ee muujinaya jirdilka iyo dilalka.

Horraantii todobaadkan ayuu Pentagon-ka sheegay in ninkii dhinaca borobagaandada ugu sarreeyey dawladda islaamiga, Abu Maxamed Al-Cadnaani, lagu dilay weerar xagga cirka ah oo ka dhacay bishii hore waqooyiga Suuriya.

Gaalkacyo Septeembar 17, 2016 Nabadoon C/Casiis Aw Yuusuf oo ka mid ah Nabadoonada Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan go’aankii Maamulka Puntland ay ku Joojisay Gaadiidka soo geli jiray Magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay soo dhaweynayaan in Puntland ay xerto Xadka ay la Wadaagto Maamulka Galmudug.

Waxa uu sheegay in amniga ay qeyb weyn ka qaadaneyso go’aanka Maamulka Puntland isla markaana sida uu sheegay in Puntland ay xaq u leedahay iney sugto amaanka deegaanadeeda.

Muqdisho Septeembar 17, 2016 Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa Maanta dhagax dhigay Xarun Cusub oo ay ku shaqeynayaan qeyb ka mid ah Ciidanka Ilaalada Wadooyinka ee Taraafiko.

Taliyaha ayaa sheegay in Xaruntaan ay tahay mid Muhiim ah oo loo baahan yahay in dhismaheeda laga wada qeyb qaato.

Taliyaha ayaa sidoo kale ka sheekeeyay hormarada Ciidanka Booliiska Soomaaliya iyo isbadalka ku socda gaar ahaan qeybaha Tababarada iyo qalabeynta.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa hogaanka iyo Ciidanka Ilaalada Wadooyinka ee Taraafiko ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dhismaha Xaruntaan.

Waxa uu sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in loogu baahan yahay in ay ka qeyb qaataan dhismaha Xaruntaan.

Muqdisho Septeembar 17, 2016 Qaar ka mid ah Xisbiyada Mucaaradka ee Dalka ka jira oo Shalay illaa maanta ku sugan Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa maanta soo saaray War-murtiyeed dhowr Qodob ka kooban.

Xisbiyada Mucaaradka ayaa sheegay in Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ay soo jeedinayaan in dib loo dhigo Sameyntiisa illaa Dalka ay ka dhacdo Doorashada la filayo in Bisha October ay Soomaaliya ka dhacdo.

Sidoo kale Xisbiyada Mucaaraddka ayaa intaa ku daray in Sababta loo dadajinayo Dhismaha Maamulkaasi ay tahay Ololaha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Afhayeenka Xisbiyada Midoobay C/qaadir Barnaamij ayaa Warbaahinta i Akhriyay War-murtiyeedka ay soo saareen iyo go’aankooda ku aadan.

Xisbiyada Mucaaradka ayaa soo jeediyay in dib loo dhigo dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe, sidoo kale waxa ay Urur goboleedka IGAD ugu digeen in ay faraha kala baxdo dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Septeembar 17, 2016 Wararka ilo wareedyadeena naga soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu todobaadkan ku soo wajahan magaalada Muqdisho, isagoo miisaan u yeeli doona Tartanka Musharaxnimada Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado inay dhacdo 30-October.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Qaban qaabo iyo diyaar garowga Safarka Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayaa ka socota magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho, waxaana lagu wadaa in loo soo dhoweeyo si ka duwan sidii loo soo dhoweeyay musharixiintii hore.

Boorar ay ku qoran yihiin sawirada Sheekh Shariif oo aan wali ku dhawaaqin Musharaxnimadiisa ayaa diyaarintiisa ay socotaa, waxaana qaarkood si horu dhac ahaan loo soo geliyay baraha bulshada sida Facebook.

Ilo wareedyadeena ayaa u xaqiijiyay in Guddiyo ka mid ah Ololaha Musharax Madaxweyne Shariif ayaa magaalada Muqdisho ka wada abaabul la xiriira soo dhoweyntiisa.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Sheekh Shariif ay u soo dhamaatay qaban qaabadiisa dhinaca dibadda ee ku aadan ololihiisa musharaxnimo, waxaana lagu wadaa inuu dalka dib ugu soo laabto, isagoo ay wax walba u dhameystiran yihiin.

Waxaa la diyaariyay Guryihii uu degi lahaa iyo goobihii ay ku howl geli lahaayeen Kooxdiisa Ololaha Doorashada, sidoo kale ammaankiisa ayaa waxaa la sheegay inay sugi doonaan Ciidamo gaar ah oo ay qeyb ka yihiin AMISOM.

Sheekh Shariif oo tan iyo markii uu xilka ka wareejiyay ka gaabsanayay ka hadalka arrimaha siyaasada ee qalbak warbaahinta ayaa la rumeysan yahay inuu culeys ku noqon doono Madaxweyne Xasan Sheekh oo mar kale doonaya inuu dib u soo laabto.

Madaxweynihii hore ayaa olole diblomaasiyadeed ka waday Nairobi, Kampala iyo Imaaraadka Carabta oo fariisin u aheyd, waxaana uu kulamo la qaatay dhinacyo kala duwan oo ku lug leh arrimaha Siyaasada Soomaaliya.

Isku soo wada duuboo Mr Shariif ayaa lagu wadaa in marka uu soo gaaro magaalada Muqdisho uu ku dhawaaqo Musharaxnimadiisa.

Ceelwaaq Septeembar 17, 2016 Al-Shabaab ayaa shalay galinkii dambe weerar xooggan kusoo qaaday degmada Ceel Waaq ee gobolka Gedo , halkaasi oo ay gacanta ku hayeen ciidanka dowladda Soomaaliya.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Dagaalyahano ka tirsan ururka Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo Ciidanka Dowladda ay ku leeyihin halkaasi.

Dadka Deegaanka ayaa Risaala u sheegay in Dagaalka uu qaatay mudo saacado ah, sidoo kalena uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Al-Shabaab ayaa gudaha u galay degmada Ceel Waaq ee Gedo , sida ay sheegeen goobjoogayaal ku sugan duleedka magaalada Ceel Waaq ee ka cararay dagaal ka qarxay degmadaasi.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay dagaal kula wareegeen degmada Ceel Waaq ayna ciidamadoodo maamulaayaan goobihii ay ku sugnaayeen ciidanka dowladda Soomaaliya.

Kornel Warfaa oo ka tirsan Saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ee degmada Ceelwaaq ayaa warbaahinta u sheegeen in ay jiraan khasaaro isgu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray ciidanka dowladda Soomaliya.

Waxa uu sheegay in ay Al-Shabaab kusoo qaadeen dagaal xooggan ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Ceel Waaq.

Waxa uu sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya aysan haysanin taageero Militari oo ay iska difaacikaraan ururka Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayuu ku eedeeyay in ay dayaceen ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Ceelwaaq

WARARKA MAANTA September 15, 2016

Muqdisho Septeembar 16, 2016 Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ka hadlay arimo badan oo la xiriira Baarlamaanka hada jira ayaa ugu horeyn wuxuu sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay sii shaqeyn doonaan ilaa ay ka yimaadaan Xildhibaanada cusub.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya intooda badan hada ay ku maqan yihiin Gobolada ay ka soo jeedaan, iyagoo ka qeyb qadanaya soo xulista Xildhibaanada ka mid noqonaya Dowladda cusub ee dhowaan Doorashadeeda lagu wado in Dalka ay ka dhacdo.

Dhanka kale wuxuu sheegay Gudoomiye Jawaari awooda xukunka Dowladnimo in ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena iyaga ay ka bilaabato isla iyaga ay ku dhamaato awooda, la’aantoodana aysan jiri karin Dowlad dhameystiran.

Hadalakan ayuu ka sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan jawaari xilli uu ka qeyb galayay Munaasabad lagu soo bandhigayay waxqabadka Dowladda Afartii sano ee la soo dhaafay.

Shabeelle Dhexe Septeembar 16, 2016 Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Al-shabaab ay Dab qabad siiyeen Labo Gaari oo Qaad siday Duleedka Degaanka Leego.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degaanka Leego ayaa noo Xaqiijiyay in Al-shabaab ay Gubeen Labo Gaari oo uu Qaad saran yahay,waxaana ay Ka xaysteen Labo Qof oo Gawaarida la gubay la socday.

Al-shabaab ayaa Dhowr jeer sidaan oo kale Gobolada Dalka Goobaha ay ka joogaan ku Gubay Gaadiid Qaad sida.

Hayeeshee lama Oga halka ay la aadeen Labada Qof oo ay Afduubteen,waxaana loo badinayaa in Labada Qof ay yihiin Ganacsato uu Qaadku u rarnaa.

Muqdisho Septeembar 16, 2016 Wasaarada Gaashaandhiga Dowlada Britain ayaa raali galin ka bixisay dil ciidankooda si ula kac ah ugu geesteen wiil 15-sano jir ah oo u dhashay dalka Ciraaq laguna magacaabi jiray Ahmed Jabbar Kareem Ali.

Dilka wiilkan ayaa ka dhacay magaalada Basra ee dalka Ciraaq sanadii 2003-dii, waxaana Ahmed Jabbar Kareem Ali uu kamid ahaa afar qof oo ciidamada Britain ay xireen iyaga oo ku eedeeyay in ay geesteen xatooyo.

Ciidamada Britain ayaa afartan qof ku ciqaabay in ay ku ridaan kanaal biyo badan dur dureen, waxaana halkaasi ku dhintay Ahmed Jabbar Kareem Ali oo la sheegay in uusan aqoonin dabaal kuna haftay biyihii lagu riday.

Wasaarada Gaashaandhiga Britain ayaa xilgaasi ka beri yeeshay in ciidankooda ay geesteen dil ula kac ah, hasa ahaatee Wasaarada ayaa hada qirtay in dilkaasi uu qalad weyn ahaa ayna ka bixinayaan raali galin.

Ciidanka Dowlada Britain ee ku duulay dalka Ciraaq ayaa lagu eedeeyay in tacadiy badan ay halkaasi ka geesteen ayna dilal bareer ah kula kaceen dad shacab sida lagu cadeeyay warbixino lasoo saaray oo ku aadaneed baaritaano tcadiyadaasi ku saabsanaa.
Garoowe Septeembar 16, 2016 Maamulka Gobolka Mudug ee Galmudug ayaa Buldhada Gobolka mudug ku Bogaadiyay in ay ka Qeyb Qataan Hormarka iyo Amaanka Degamada Gobolka Mudug ee Galmudug.

Gudomiyaha Gobolka Mudug Cabdirashiid Xaashi Cartan oo Kulan la Qaatay Culimada Odayaal Waxgard Ganacsato iyo Qeybaha Kala Duwan ee Bulshada Mudug ayaa sheegay in Xiligan Dadka looga Bahan yahay in ay ka Qeyb Qaataan Hormarka iyo Amaanka Degaanada Gobolka Mudug Si loo Hormariyo Dadka iyo Degaanka Galmudug
Dhanka kale Cabdirashiid Xaashi Cartan ayaa ku Baqay in laga Hor tago Dhibaatoyinka Soo Noqada ee Inta Badan ka Dhaca Deganada Gobolka Mudug.

Maamulka Gobolka Mudug ee Galmudug ayaa Bilihii Ugu Danbeyey Mashquulsanaa Qorshayaal Badan oo lagu Hormarinaayo Degaanada Gobolka Mudug kuwaas oo hada Qaar Kood uu ka Socoda Dib Udhis Xoogan.

Muqdisho Septeembar 16, 2016 Taliska Ciidanka Midowga Afrika, ayaa waxaa uu sheegay in hawlgal qorsheysan oo ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose lagu dilay Gudoomiyihii Ururka Al Shabaab ee Deegaanka Awdheegle.

Afhayeenka Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, Korneyl Joe Kibet, ayaa sheegay in habeenkii Arbacada ay Ciidamada Dowladda iyo Amisom hawlgal qorsheysan ugu galeen Deegaanka Awdheegle.

Afhayeenka, ayaa intaa ku daray in hawlgalkaasi lagu qaarajiyay nin uu magaciisa ku sheegay Maxamed Xasan, kaasoo Shabaabka ugu magacawnaa sida uu yiri Gudoomiyaha Awdheegle.

Joe Kibet oo la hadlay Wakaaladda Wararka Somaliya (SONNA), ayaa ku waramaya in hawlgalka ay ku soo qabsadeen saanad militari, oo Xoogaga Shabaabku ay leeyihiin.

Korneyl Kibet oo wax laga weydiiyay khasaaraha hawlgalkaasi ka soo gaaray Ciidamada Dowladda iyo Amisom, ayaa ka gaabsaday inuu faah faahin ka bixiyo.

Kibet oo hawlgalkani ku macneeyay mid qorsheysan, ayaa bidhaamiyay in uu u fulay, sidii ay labada ciidan ugu talla-galeen.

Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxaa billihii ugu dambeeyay ku soo badanaayay hawlgalada ay sida qorsheysan kaga fulinayaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom, oo gacan ka helaaya Militariga Mareykanka

Garoowe Septeembar 16, 2016  Madaxweynaha Puntland C/weli Cali Gaas ayaa sheegay inuu doonayo sidii uusan usoo laaban Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
C/weli Gaas waxa uu sheegay in ay ku dadaali doonaan sidii doorashada uga dhici laheyd Soomaaliya Maalmo kadib oo dadkuna ay uheli lahaayeen Hogaan Cusub.

WARARKA MAANTA September 15, 2016
Su’aasha Maanta: Waa maxay shaqada ka wada dhaxaysa Ururka Damu-Jadiid Iyo Argagixisadda Shabaab? Waddan kee hub iyo maalgelinsiiya? Waa maxay sababta ay u wada shaqeeyaan Ururka Damu-Jadiid Iyo Argagixisadda Shabaab? Kadib 4 sanno oo ay Ururka Damu-Jadiid ka lumiyeen Ummadda Soomaaliyeed maxay weli u rabaan inay Muqdisho iyo dalka dhibkaas ku sii wadaan? Soomaaliyeey aanu iska-qabo Ururaddan khaa’imiinta ah oo ay hoggaaminayaan niman wada khaa’inul waddan ah.

Muqdisho Septeembar 15, 2016 Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in guddiyada doorashada, iyo xallinta khilaafyada aanay wax shaqo ah ku lahayn siyaasadda, isaga oo sheegay in guddiyadaasi si hufan u gudan doonaan howlahooda shaqo.

“Guddiyada doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka siyaasad shaqo kuma lahan, waxa la dhisayo oo la isku keenayo waa kii dhexe oo dadka oo dhan ka wada dhaxeeyay, qof walbo hoggaanka ugu fiican, xildhibaanka ugu fiican, ugu dal iyo dad jecel in lasoo doorto ayaan rabnaa, qof qof lahaan karo ma jirto, xildhibaan koox lahaan karto ma jirto, baarlamaanka aan soo dooraneeyno waa kii Federaalka ahaa oo dalka oo dhan ka dhaxeeyay, aan soo xulanno dad fiican una soo xulanno si nadiif ah oo yaanan gelin kala shaki, aad ayaana ugu kalsoonahay in sidaasi wax u dhici doonaan, dowladda Federaalka diyaar ayeey u tahay in wax walbo u dhacaan sida ugu muhiimsan” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha oo shalay so xirayey shirka madasha Wadatashiga Qaran ayaa dhinaca kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay kaalin ka qaataan doorashooyin si hufan uga dhaca guud ahaan dalka.

“Dadka Soomaaliyeed waxaan mar kale ugu baaqayaa dhammaan iney u istaagaan iney fududeeyaan qabsoomidda doorashooyinka, waxaan rabaa in kalsooni buuxda ay qaadaan dadka Soomaaliyeed, ajende gaar ah oo qof, maamul ama hay’ad gaar ah oo dowladda ka tirsan ka leedahay Doorashooyinka ma jiraan oo aan ka ahayn doorasho Soomaaliyeed oo waqtigeeda iney dhacdo ah oo si daah furan u dhacda”

Sanadkaan 2016 dalka waxaa la filayaa iney ka dhacaan doorashooyinka dadban, iyadoo ay diyaar garow ballaaran loogu jiro doorashooyinkaasi.

Khaatumo State Septeembar 15, 2016 Waxaa deegaanka balicad oo ah dhul xuduud ah oo ay wadaagan khaatumo iyo iyi itoobiya ka furmaaya shir u hogaaminaayo MD Cali khaliif galaydh.

Shirkaasi waxaa ka soo qeyb galaaya masuuliyiin kamid ah dawlada khaatumo iyo golaha sare dhaqanka khaatumo.

Sidoo kale shirka waxaa ka soo qeyb galaaya beelaha reer khaatumo iyo cuqaasha beelahaasi dhamaantood.

Xog widh widh online heshay ayaa sheegaysa in shirkaasi looga hadlaayo dhawr arrimood oo kamid ah xaalada khaatumo iyo sidii hore looga sii qaadilaha halka maanta la taagan yahay.

Shirkan ayaa furmaay 17 bishan hadii alle idmo waxaana jira weftiyo soo gaadhaya magaalada balicad iyo kuwo kusoo wajahan oo khaatumo kamid ah.

Muqdisho Septeembar 15, 2016 Isagoo maanta ka hadlayey Kulan ka dhacay Dugsiga Tababarka Ciidamada Ee Janeral Kaahiye ayuu sheegay Taliyaha Booliska Soomaaliya Janeral Maxamed Xasan Xaamud in ciidanku yihin kuwo dadka isku soo dhaweeya.

Waxa uu aad udhaliilay khaladaadka mararka qaarkood ay sameeyaan Ciidanka Booliska oo shaqadoodu tahay in shacabka u adeegaan.

Janeral Xaamud waxa uu sheegay in Booliska laga rabo inay dhex galaan Shacabka oo ay mar kasta dhibaatada ka ilaaliyaa.

 Taliyaha Booliska Soomaaliya Maxamed Xasan Xaamud ayaa soo hadal qaaday 13kii Bishaan iskahorimaad ka dhacay Boondheere gaar ahaan Barxada Busleey oo Ciidan Boolis ah lagu rasaaseeyey.

 Janeralku waxa uu sheegay inaysan aheyn kuwo dhibaato raba oo xitaa maalintaasi la rasaaseeyey sida uu hadalka udhigay Ciidanka Booliska oo halkaasi marayey.

  Runta marka laga hadlo Muqdisho iyo Meelaha Kale Sharaftii Booliska sidii la rabay looma ilaaliyo iyadoo dadku meeshii booliska usoo carari lahaayeen ay ka cararayaan maadama ay xabad ka hor keenayaan meelaha qaar markii askariga lagu dhawaado
Garoowe Septeembar 15, 2016 Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ee katirsan Ururka Damu-Jadiid Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaw gaaray Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe iyo Saraakiisha Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Madaxweynaha ayaa ka qeyb gali doona sida Wararku ay sheegayaan soo bandhigida Xildhibaanada uu yeelanayo Maamulka loo sameynayo Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe oo gaaraya illaa 71 Mudane.

Nairobi Septeembar 15, 2016 Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa malaayiin doolar si hoose ugu ballan qaadey madax ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya si gabi ahaanba loo dhameeyo ama loo tirtiro kiis dacwadeedka ku aadan badda.

Kenyatta ayaa isaga oo kula shirayey Xasan Sheekh Muqdisho u ballanqaadey in dib usoo celin doono waa haddii uu saxiixayo Badda, sidoo kalena meesha ka saarayo dacwadda hadda jirta.

Cabsida hadda ugu daran ayaa ah in Xasan Sheekh iyo saaxiibadiis uu qaado damac dhaqaale maadaama doorasho cusub kusoo wajahan tahay, islamarkaana ay taasi aqbalaan.

Dowladda Kenya waxay geed dheer iyo mid gaabanba u koreysaa sidii ay ku heli lahayd badda Soomaaliya, gaar ahaan qeybta ay sheegatay inay iyadu leedahay halkaasi oo shidaal badan uu ka buuxo

Maraykanka Septeembar 15, 2016 Musharaxa xisbiga dimuquraadiga ee Mareykanka Hillary Clinton, ayaa waxa ay soo saartay warbixin ku saabsan caafimaadkeeda.

Dadka u ololeeya waxay sheegayaan in xanuunkeeda uu yahay nooc aan la is qaadsiin karin.

Hillary Clinton ayaa la siiyay daawo antibiyootig ah oo toban maalmood ay qaadan doonto.

Dhaqtarkeeda waxay sheegtay inay hadda caafimaadkeeda uu soo hagaagayo.

Waxay intaa ku dartay, in ay caafimaad qabto ayna awoodda inay Shacabka Mareykanka u adeegto madaxweyne ahaan.

Dhanka kale, Donald Trump waxa uu bandhig TV ka sheegay in tijaabo caafimaad oo dhawaan lagu sameeyay ay muujineyso in maasiinkiisa uu culus yahay oo uu aad u buuran yahay

Garoowe Septeembar 15, 2016 Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti uu hogaaminayo oo maalmihii ugu dambeeyey kusgnaa magaalada Muqdisho ayaa goordhaw ka degay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Waftigaan ayaa kasoo kicitimay Muqdisho ayaa waxa ay ka qaybgaleen shirkii madasha wadatashiga doorashada Soomaaliya ee hogaamiyayaasha Soomaalida shalay Muqdisho ugu soo xirmay.

Shirkii madasha ee shalay lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga soo saaray qodobo quseeya doorashada Dalka kadhacaysa sanadkaani.

Cadaado Septeembar 15, 2016 Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah u ah maamulka Galmudug ayaa sheegaya in uu khilaaf xoog leh ka dhex bilowday Madaxweynaha & Kuxigeenkiisa, taas oo ka dhalatay Isbaheysigii burburay ee horey ugu dhaxeeyey labadan nin oo ka wada tirsan kooxda DAMU JADIID ee uu hogaamiyo Madaxweynaha dawladda Faderaalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Warar hoose ayaa banaanka soo dhigaya siraha qarsoon, iyadoo sida la xaqiijiyey saacadihii ugu dambeeyey ay labada nin ku kala aragti duwaanadeen heshiisyadii madasha ee la gaaray, gaar ahaana in 18-kii gobal ee Soomaaliya dib loogu celiyo Hanaanka Aqalka Sare ee qeybsigiisa.

Cabdikariim Xasan Guuleed ayaa si adag u diidey qorshaha in 18-kii gobal lagu laabto, isagoo ka baxay madasha shirka ee magaalada Muqdisho, laakiin kuxigeenkiisa ayaa sheegay in ay aqbashay Galmudug oo ay soo dhaweysay go’aamada madasha ee la gaaray.

Taasi ayaa xiisad ka dhex abuurtay labada dhinac, taas oo sida hadda muuqatay kalifaysa in Xildhibaanada ka soo jeeda Beesha Mareexaan ee doorashadoodu ka dhici lahayd magaalada Cadaado in loo wareejiyo caasumada Puntland ama waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Isku haleynta dhinaca Amniga ayaa khatar gashay, waxaana la xaqiijiyey Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi uu saacadihii u dambeeyey kusugnaa magaalada Cadaado.

Iscasilaadii Wasiirka Maaliyada ee Galmudug iyo xubno ka horeeyey ayaa xiisad cusub abuurtay, iyadoo ay soo baxayaan guux ku aadan in gabi ahaanba Mooshin laga keenayo Horjoogaha Galmudug oo aan wali 2KM dhaafin magaalada lagu caleemo-saaray, ayna kala xariir furteen Saaxiibadiisii DAMU JADIID.

Cabdikariim Xasan Guuleed wuxuu horey kaadir uga ahaa Kooxda Talada dalka haysay Sanooyinkii u dambeeyey, isagoo mar soo noqday Wasiirka Arrimaha gudaha ee dawladda Faderaalka, laakiinse Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waqti iyo Maaliyad xoog badan galiyey sidii uu Madaxweyne uu rabo ugu soo bixi lahaa maamulkii gobal iyo barka ahaa ee laga unkay magaalada Cadaado.

Xiisada labada Horjooge soo kala dhex-gashay ayaa ku soo beegmaysa xili Soomaaliya ay ku jirto marxalad xasaasi ah oo dhanka doorashada ah, waxaana hadda waqtigu uu kusoo beegmayaa xili qeybsiga labada dhinacba uu yahay mid taagan.

WARARKA MAANTA September 14, 2016

Muqdisho Septeembar 14, 2016 Wararka aan  ka heleyno Aqalka Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta la filaayo in lasoo xiro shirka madasha Qaran ee u dhaxeeyay madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka goboleedyada dalka.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke ayaa shalay amba qaaday shir gudoominta shirkaasi oo maalmahii Ciida hakad u galay.

Maanta ayaa la filayaa in war murtiyeed laga soo saaro shirkaasi iyadoona lagu heshiiyay qodobo dhowr ah oo aqalka sare oo muran ka taagna.

Amaanka Muqdisho ayaa wali waxa uu yahay mid aad loo adkeeyay,waxaana Xiran wadooyinka Magaalada.

Djibouti Septeembar 14, 2016 Dowladda Jabuuti ayaa faahfaahin ka bixisay sababaha ay shalay u degi wayday diyaaradii siday Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Safiirka dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Aadan Xasan Aadan ayaa wariyeyaasha u sheegay in cilad ay ku timid diyaaradii siday Madaxweynaha Jumhuuriyada Jabuuti ayna soo caga dhigan waysay garoonka Aadan Cadde.

Waxa uu sheegay in Madaxweynaha uu qorshihiiso ahaa in uu ka qeyb galo shirka , laakiin uu dib ugu laabtay dalka Jubuuti kadib markii ay degi waysay diyaaradii siday.

Safiirka ayaa sheegay in Madaxweynaha Jabuuti uusan ka qeyb galin shirka ,lakiin uu ka qeyb galay Wasiirka arimaha dibada dalka Jabuuti.

Muqdisho Septeembar 14, 2016 Wariye Cabdicasiis Maxamuud Guuleed (Afrika) oo Xalay lagu dhaawacay magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay sida ay wax u dheceen iyo dhaawaca soo gaaray.

“Waxaa i soo weeraray Ciidanka xooga dalka Somalia ,lug ayaan ka jabanahay ,tan kalena waa dhaawac, Waxa i soo weeraray maaha Al-Shabaab ,waxaana rajeeynayaa in taliyaha Ciidanka iyo Dowladda Somalia wax ka qaban doonaan “ Ayuu yiri.

https://www.youtube.com/watch?v=uJwIZD4BWPk
Muqdisho Septeembar 14, 2016 Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia, Danjire Michael Keating oo waraysi gaar ah siiyay VOA Somali ayaa ka hadlay in Qaramada Midoobay ay gacan ka gaysan doonto sugidda amniga xiliga doorashooyinka dadban ay dalka ka dhacayaan. Sidoo kale waxaa uu ka hadlay Keating khilaafaadka hareeyay dhismaha aqalka sare, Arrimaha Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe iyo sidoo kale waxa hortaagan in Soomaaliya ay yeelato ciidan qaran oo leh awood ay dalka Somalia ku difaacaan

Galgaduud Septeembar 14, 2016 Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceel Garas ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay halkaasi lagu dilay gudoomiyihii Al-Shabaab u qaabilsanaa deegaanka Ceelgaras ee gobolka Galgaduud.

Dilka ayaa waxaa geystay Askari horey uga tirsanaan jiray askarta ciidanka dowladda Soomaaliya hadana ka mid ahaa ganacsatada kunool deegaanka Ceelgaras ee gobolka Galgaduud.

Gudoomiyaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Faarax Cali Raage sida ay Warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka .

Gudoomiyaha ayaa u sheegay askariga horay uga tirsanaa ciidanka dowladda Soomaaliya in uu kusoo biiro Al-Shabaab ,  madaam horayba uu ula shaqeyn jiray dowladda Soomaaliya.

Laakiin ninka ganacsadaha ah horeyna uga tirsanaa askarta dowladda Soomaaliya ayaa arintaasi diiday , ka dibna waxaan la sheegay khilaaf ka dib in uu soo qaatay qori oo uu toogtay gudoomiyihii Al-Shabaab ee deegaanka Ceelgaras Faarax Cali Raage.

Muqdisho Septeembar 14, 2016 Xildhibaan Cilmi Maxamed Nuur oo ka mid ah Guddiga Maaliyada ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in guul ay u tahay Shacabka Soomaaliyeed in Muqdisho lagu qabto Shir Madaxeedka IGAD.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay Muhiim tahay in shacabka Soomaaliyeed ay ogaadaan guusha usoo hooyatay isla markaana ay isugu Hambalyeeyaan.

Waxa uu tilmaamay in taariikhda ay xusi doonto Madaxda Dowladda ee suurta geliyay in Shir Heer Caalami ah lagu qabto Muqdisho.

Muqdisho Septeembar 14, 2016 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Saxaafada u sheegay in uu dowladda Kenya kala hadlay duulimaadyada ka duula magaalada Muqdisho ee la sii Marsiiyo degmada Wajer ee dalka Kenya , halkaasi oo baaritaano lagu Sameeyo dadka diyaaradaha saaran ka dibna loo gudbiyo Caasimada dalka Kenya.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in taasi ay caqabad weyn ku tahay dadka Soomaaliyeed , islamarkaana uu arintaasi  uu kala hadlay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Kenya ay aqbashay in duulimaadyada ka duula magaalada Muqdisho in ay si toos uga degtaan magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay ka shaqeynta amniga labada dal ,lakiin ay haboon tahay inaan Soomaalida la dhibaateyn.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale xusay in uu Madaxweynaha kala hadlay in la fududeeyo Visooyinka Dadka Soomaaliyeed ee doonaaya in ay aadaan dalka Kenya.

WARARKA MAANTA September 13, 2016

War Saxaafaddeed

Muqdisho Talaado Septeembar 13, 2016 Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xassan Shiikh Maxamuud oo ku wareejiyey awooda iyo xilka madaxweynenimadda Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Prof. Maxamed Shiikh Cismaan kaasoo dastuurka dalka u ogalyahay inu xilka madaxweynenimadda u sii qabto si ku-meel-gaar ah inta la soo dooran doono madaxweyne cusub.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Prof. Maxamed Shiikh Cismaan ayaa noqday madaxeynaha ku-meel-gaarka ee Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliyeed laga billaabo maanta.

Waad Mahadsan Tihiin,

Mudane Xassan Shiikh Maxamuud

Xafiiska Madaxweynaha

Muqdisho Talaado Septeembar 13, 2016 Waxaa Magaalada Kismaayo lagu soo bandhigay Sargaal la sheegay inuu katirsan yahay Ururka Al Shabaab kaasi oo dhawaan gacanta lagu dhigay.

Ciidanka Amaanka qaabilsan Maamulka Jubbaland ayaa la sheegay inay ku guuleysteen soo qabashada dhowr katirsan Argagaxisada sida ay hadalka udhigeen uuna ku jiray nin Qaraxyada uqaabilsanaa Shabaabka.

Ninkaan oo lagu magacaabo Cabdirashiid Mowliid Mubaarak waxa uu sheegay mar uu saxaafada la hadlay inuu yahay Itoobiyaan Hooyadiis ay Soomaali tahay Al Shabaabna uu muddo kusoo dhex jiray.

Mowliid waxa uu sheegay in qaraxyada uu uqaabilsanaa Ururka Al Shabaab isagoo howshiisa fulinayana la qabtay kana rajeeyey in cafis loo fidin doono maadama gacanta Maamulka Jubbaland uu ku jiro.

Muqdisho September 13, 2016 Waxaa la soo gaba gabeeyay shir madaxeedkii 28aad ee IGAD oo maanta si rasmi ah uga furmay Muqdisho.

Shirka waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha JF Soomaaliya, Madaxweynaha Kenya, Madaxweynaha Uganda, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Wasiirka Arimaha Dibada Dalka Jabuuti iyo xubno ka socda kabada Suudaan.

Ajandaha shirka looga hadlayay ayaa waxaa ka mid ahaa xaalada Soomaaliya, doorashooyinka dhowaan dhici doono iyo xaalada Koofurta Sudan.

War murtiyeed laga soo saaray shirka ayaa lagu xaqiijiyay Midnimada Soomaaliya, iyadoo lagu taageeray doorashada dadban ee dhowaan ka dhaceysa dalka.

Madaxda Urur Goboleedka IGAD ayaa soo dhoweeyay horumarada ay sameysay dowladda hada waqtigeedu dhamaaday, iyagoo ku dheeraaday muhiimada ay leedahay ammaanka iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Madaxweynaha Kenya oo shirka kaddib la hadlay Warfidiyeenka ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku talaabsatay horumar dhinac waliba leh, isla markaana ay ku faraxsanyihiin in shirka IGAD sanadkan Muqdisho lagu qabto.

Shirkan ayaa ahaa kii u horeeyay oo lagu qabto Muqdisho, tan iyo markii la aas aasay Ururka IGAD sanadkii 1986.

shirka-w shirka-w1 shirka-w1-1 shirka-w2

Muqdisho September 13, 2016 Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shirka IGAD kadib qabtay Shir jaraa’id ayaa ka hadlay kulan gaar ah oo uu la yeeshay Madaxweynaha Dalka kenya Uhuru Kenyatta.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dalalka Kenya iyo Soomaaliya ay si gaar ah uga wada hadleen Arimaha Dhaqaalaha, Arimaha Amniga iyo Waxyaabo kale.

Wuxuu sheegay Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya in Soomaaliya iyo Kenay ay sidoo kale ay ka wada hadleen in la fududeeyo Fiisaha Dal ku galka Kenya iyo Arinta Wajeer.

Dhanka Kale Madaxweynaha Dalka kenya Uhuru Kenyatta oo isna dhankiisa Warbaahinta la hadlay ayaa Dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dib ugu soo laabtaan Dalkooda, sidoo kalena ay ka qeyb qaataan Hormarka Dalka.

Muqdisho September 13, 2016 Shir madaxeedkii dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD ayaa goor dhow lagu soo gebagebeeyey hotel Peace oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Waxaa shirkan ka qeyb galay illaa afar Hogaamiye oo ka tirsan madaxda todobada dal ee xubnaha ka ah ururkan, kuwaasoo kala ah Madaxweynaha Ugandha Musaveni, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Raisul wasaaraha Itoobiya Haile Mariam Desigln iyo Madaxweynaha martida loo yahay ee Somalia Xasan Shiikh Maxamuud.

Waxaa shirkan sababo kala duwan awgood uga baaqday hogaamiyeyaal oo la filayey iney ka soo qeyb galaan waxaana u metelayey danjirayaal iyo wufuud kale.

Gebagebada shirka ayaa waxaa laga soo saaray War murtiyeed ay isku raaceen madaxii ka qeyb gashay, kaasoo saxaafada loo qeybiyey goor dhow, waxaana madaxda ka qeyb gashay la filaya iney isla galabta dib ugu laabtaan dalalkoodii.

Qodobada War-murtiyeedka laga soo saaray iyo waxyaabaha kale oo ka soo baxay shirkan wararkeena soo socda ayaan idinkugu soo gudbinaynaa

1 2 3 4

Muqdisho September 13, 2016 Madaxweynaha Madaxweynaha Ugandha Yuweri Musaveni ayaa goor dhow ka soo degay garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Waxaa garoonka ku soo dhoweeyey madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud iyo iyo madax kale oo ka tirsan dowlada Somalia.

Waxaa loo sii gudbiyey hoolka uu ka dhacayo shirka IGAD oo ku dhow garoonka Aadan cadde.

Madaxweyayaasha IGAD ayaa ku soo qulqulaya Muqdisho waxaana la sugayaa Madaxwenayaal kale.

0 1 2 3 4 5 6 7 8 9

Muqdisho September 12, 2016
2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12

Muqdisho September 12, 2016 Raisul wasaaraha dowlada Itoobiya Haile Mariam desilgn ayaa goor dhow ka soo degay garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Waxaa garoonka ku soo dhoweeyey madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud iyo iyo madax kale oo ka tirsan dowlada Somalia.

Waxaa Salaan sharaf ay ka wada qaateen cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya waxaana loo gudbiyey hoolka uu ka dhacayo shirka IGAD oo ku dhow garoonka Aadan cadde.

Wakaaladaa wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa iyana goor dhow faafisay in Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi ii horkacayo ay iyana soo gaareen Muqdisho, waxaana la sugayaa madaxwenayaal kale.

1 2 3 4 5 6 7 8 9

WARARKA MAANTA September 09, 2015

Su’aasha Maanta: Maxaa isku keenaya arag siyaasadda horay ugu wada fashilmay? Mise xilligii Damu-Jadiid ayaa dhammaaday oo waxay rabaan inay tuugada Damu-Jadiid inay ka matajiyaan hantidii ay ka dhaceen Ummadda Soomaaliyeed? Soomalida Iyo Bulshadda Caalamka waxay si toos ah u ogaadeen wada shaqaynta ka dhexaysa Ururka Damu-Jadiid ee xoogga xeeladaysan ku qabsaday Madaxtooyadda Soomaaliya Iyo Ururka Al-Shabab ee ku sifooway argagixisanimada iyo dhibaataynta Ummadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah.

SuMuqdisho September 09, 2016 Isbaheysi siyaasadeed oo ku aadan doorashada Madaxweynaha ayaa ka socda magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, iyadoo kulankii u horeeyay maanta Muqdisho ku dhex maray inta badan Musharaxiinta iyo xubnaha xisbiyada siyaasada.

Kulankan oo ahaa mid ka duwan kulamadooda hore, ayaa lagu unkay madal loogu magac daray Isbaheysiga is bedel sameynta Soomaaliyeed, waxaana lagu arkay siyaasiyiin dhowr ah oo muddooyinkan aanay ka soo muuqan fagaarayaasha, sida Ra’iisul Wasaarihii hore C/wali Sheekh Axmed iyo C/raxmaan Baadiyow.

Musharaxiinta kulankan ka dhex muuqday ayaa waxaa ka mid ahaa C/raxmaan C/shakuur, Maxamuud Axmed Tarsan, Maxamed Cali Ameeriko, Cali Xaaji Warsame, Canab Maxamed oo aheyd haweeneyda kaliya ee ka muuqatay kulanka.

Waxaa kaloo kulanka ka dhex muuqday Salaad Cali Jeelle, Axmed Macalin Fiqi, Xasan Macalin, C/laahi Goodax Barre iyo siyaasiyiin kale oo lagu wado inay dhowaan ku dhawaaqeen Musharaxnimadooda

https://www.youtube.com/watch?v=nYrv7TN64Yw

Muqdisho September 09, 2016 Wararka naga soo gaaraya Xaduuda Soomaaliya ay la wadaagto Kenya ayaa sheegaya in ay ka dhaceen Labo Qarax oo Is xig xiga.

Qaraxyada ayaa ka dhacay Goob Ciidamada Kenya ay dadka ku baaraan oo ku taalla inta u dhaxaysa  Magaalooyinka Baled-xaawo iyo Mandheera.

Illaa hadda lama Oga Khaasaraha ay sababeen Qaraxyada lala beegsaday Ciidamada Dowladda kenya ee Xaduuda jooga.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Qaraxyadu ay ahaayeen Miinooyinka Meelaha Fag laga hago ee Remote Control-ka  ah.

Muqdisho September 09, 2016 Xabsiga dhexe ee Xamar waxaa ku xiran Maxaabiis aad u fara badan oo loo heysto Dambiyo kala duwan Mudooyinkii dambe-na waxaa xabisga laga dareemayey isbadal weyn oo dhanka horumarka ah, iyadoo Xabsiga laga hirgaliyey Xarumo loogu talo galay in wax ay ku bartaan Maxaabiista ku jirta .

Maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee Xamar ayaa hadda hela Waxbarasho isugu jirta diini iyo maaddi labadaba Waxaana darruustaasi bixinayo Macalimiin Aqoon durugsan leh oo ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

S/gaas Bashiir Maxamed Jaamac Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay horumarinayaan Goobaha waxbarasho ee Xabsiga dhexe ku yaala isagoo tilmaamay in ujeedadoodu ay tahay Maxbuuska markii uu Xabsiga ka soo baxo uu leeyahay Aqoon ama Xirfad uu ku shaqeysan karo.

Maxaabiista Xabsiga dhexe ee Xamar ku xiran ayaa Bogaadiyey isbadallada horumarineed ee ka bilowday gudaha Xabsigaasi, waxaana ay sheegeen in diyaar ay u yihiin Waxbarasho, iyagoo Taliska Ciidanka Asluubta ku amaanay Dadaalka ay ugu jiraan Horumarinta nolosha Maxaabiista.2-14-16-1

Muqdisho September 09, 2016 Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa loolan adag kala kulmay hogaamiyayaasha madasha Qaran, kadib markii ay kasoo horjeesteen tirada xubnaha aqalka sare ee dheeriga u ah Puntland.

Maamulka Galmudug ayaa meel adag ka istaagay inay ku qancaan in Puntland looga tanaasulo xubnaha dheeriga ah ee madashu horey ugu meel marisay in loogu daro tirada xubnaha aqalka sare.

Maamulka Galmudug ayaa masha u cadeeyay inay doonayaan in Puntland lagasoo jaro xubnahaas saddexda ah ama in maamulada kale loogu kordhiyo tiro lamid ah kuwa Puntland ama in lalaalo dhismaha aqalka sare.

Madaxweynaha Konfiur galbeed ayaa isagana sidoo kale qaba in aqalka sare lagasaaro qorshaha doorashada islamarkaana lo daayo inay soo dhisto dowladda imaandoonto, si buu yiri looga gudbo khilaafkiisa joogtada ah.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku adkeystay in tirada Puntland loogu kordhiyay aqalka sare horey go’aan looga gaaray islamarkaana aan hadda loo baahnayn in arrimo lagasoo gudbay dib loogu laabto.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in gabi ahaanba meesha laga saarayo aqalka sare ee Soomaaliya haddii xal loo waayo muranka madaxda, waxaaana go’aan laga sugayaa madaxweyne Gaas.

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheikh ayaa isagana lagu dhagan yahay, iyadoo lagu haysto inuu dib u dhigo dhismaha maamulka Shabelada dhexe iyo Hiiraan, laakiin madaxweynuhu waa uu diidan yahay.

Muqdisho September 09, 2016 Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa shalay gelinkii dambe soo gaaray Magaalada Muqdisho, si uuu uga qeyb galo Doorashooyinka sanadkan la filayo in ay Dalka ka dhacaan.

C/wali Sheekh Axmed Maxamed Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa ku baaqay in loo hiiliyo isbedelada siyaasadeed ee sanadkan la filayo in ay Dalka ka dhacaan.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Dalka sanadkan la filayo in ay ka dhacaan isbedelo dhinaca siyaasada ah, maadaama waqtiga Dowladda hada jirta u haray uu yahay mid gabo gabo ah.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la adkeeyo amniga xilliga lagu guda jiro Doorashooyinka si looga hortago falalka la xiriira amni darada

Ku Soo Dhawaada Musharaxa Jagadda Madaxweynaha Soomaaliya 2016.
http://jamaforsomalia.com/biography/

Muqdisho September 09, 2016 Shirkaani ayaa waxaa shir guddoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana la soo warinayaa inuu jiro qodobo gaar ah oo ay Madaxdu isku khilaafsan yihiin.

Qodobada weli la isku mari la’ayahay ayaa waxaa kamid ah arrinta la xiriirta dhismaha Aqalka Sare iyo saamiga gobollada oo qaarna ay saluugsan yihiin kuwo kalena lagu heysto in loo sad buriyay.

Maxamed Maxamuud Guure oo ah Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Maamulka Galmudug ayaa Idaacada VOA u sheegay in qodobada la isku haayo uu ka mid yahay Aqalka sare, kadib markii Maamul goboleedyo qaar loo kordhiyay tirada xubnaha Aqalka sare.

C/kariin Guuleed oo ah Madaxweynaha Galmudug ayaa la sheegay in gebi ahaanba uu diiday xubnaha loogu kordhiyay Puntlanda aqalka sare, isla markaana aanay xaq aheyn in Gobolka Banaadirna aan wax xubin ah la siin.

Sidoo kale, Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa isna soo jeediyay in gabi ahaanba la hakiyo arrinta Aqalka sare, waxa uuna sheegay in qodobka Aqalka Sare uu caqabad lama gudbaan ah ku noqday Hanaanka Madashu ay u dajineyso doorashooyinka.

Waxaa uu kulankan noqonayaa kii ugu dambeeyay ee Madasha Hoggaanka Qaran isugu yimaadaan, iyadoo shirkan kadib si toos ah loo dhaqaaqaayo hirgelinta hannaanka doorashada labada aqal iyo tan madaxtinimada.

Maalinta Beri ah ayaa lagu wadaa in qodobada leysku hayo xal laga gaaro, inkastoo Puntland iyo Galmudug ay shirka ka dhigeen goob leysugu faano cadadka Aqalka Sare ay ka heystaan.

Baydhabo September 09, 2016 Maamulka koonfur Galbeed ee Soomaaliya iyo Hay’ada Qaramada Midoobay dhanka Qaxootiga u qaabilsan ee UNHCR ayaa ka wada hadlay dib u dejinta Qaxootiga ku soo laabanaya Deegaanada koonfur Galbeed.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Koonfur Galbeed ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Xasan Fiqi oo la hadlay ayaa sheegay in UNHCR ay kala hadleen Qaxootiga Soomaaliyeed ee ka soo laabanaya Dalka Kenya, kuwaas oo soo gaaraya Deegaanada Koonfur Galbeed.

Wuxuu sheegay in ay diyaariyeen goobihii ay degi lahaayeen Qaxootiga, Qalabkii ay cuntada ku karsan lahaayeen, Gooo ay wax ku bartaan iyo waxyaabo kale.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Koonfur Galbeed ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Xasan Fiqi ayaa sheegay in ay ka wada hadleen heshiisyadii hore ee ay u wada gaareen Dowladda Soomaaliya iyo UNHCR ee la xiriiray sidii dadkan dib u dejin loogu samayn lahaa gudaha Dalka Soomaaliya marka la ay ku soo laabtaan.

Dhowaan ayay aheyd markii Dhoobleey laga soo fasaxay Qaxooti halkaasi ku xayirnaa in muddo ah kuwaas oo hada inta badan ku soo jeeda Deegaanada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

WARARKA MAANTA September 07, 2015

Muqdisho September 07, 2016 Madaxwyaha Soomaaliya Mudane Xassan Shiikh Maxamuud ayaa maanta ku amray Ra’iisal Wasaare Mudane Cumar Cabdirashiid Cali inuu is deg deg ah isku-casilo kadib markii uu si rasmi ah u shaaciyey inuu yahay musharax u tartamaya jaggadda madaxweynenimadda Soomaaliya 2016. Madaxwyaha Soomaaliya Mudane Xassan Shiikh Maxamuud oo la yaabay caqli xumada Ra’iisal Wasaare Mudane Cumar Cabdirashiid Cali taasoo ah inay sharci-darro tahay Ra’iisal Wasaare haya xukunka oo madaxweynihiisa horay u shaaciyey inuu yahay musharaxa jaggadda madaxweynenimadda inuu asagana isku soo sharaxo jaggadda madaxweynenimadda asagoo weli haya xilka. Madaxwyaha Soomaaliya Mudane Xassan Shiikh Maxamuud oo ummadda Soomaaliyeed u caddeeyey inay dhacday xukuumaddii dalka ka tallinaysay kadib markuu uu si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu Ra’iisal Wasaare Mudane Cumar Cabdirashiid Cali yahay musharax u taagan jaggadda madaxweynenimadda Soomaaliya 2016.

Ra’iisal Wasaare Mudane Cumar Cabdirashiid Cali ayaa sidoo kale caddeeyey inuu si ku-meel-gaar ah u soo magacaabi doono Ra’iisal Wasaare cusub oo sii haya xilka inta madaxweyne dib loo dooranayo sida ugu deg degta bada.

Waad Mahadsan Tihiin,

Madaxwyaha Soomaaliya Mudane Xassan Shiikh Maxamuud

Muqdisho September 07, 2016 Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka sheekeeyay dhibaatada uu leeyahay qaadka.

Xildhibaanka ayaa marka hore si weyn usoo dhaweeyay go’aanka Dowladda Soomaaliya ay qaadatay iyo in la joojiyo qaadka.

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla ayaa sheegay in qaadka uu qeyb ka ahaa amni darada ka jirta Soomaaliya isla markaana Dowladda uu ugu Hambalyeynayo go’aanka ay qaadatay.

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla ayaa Madaxda Dowladda ugu baaqay iney si rasmi ah u joojiso qaadka oo ay ka dhabeyso go’aankeeda.

Muqdisho September 07, 2016 Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada Arrimaha gudaha Soomaaliya Yaxye Cali Ibraahim oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Jowhar ayaa sheegay in dhawaan la bilaabi doono Shirka Maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Waxa uu sheegay in uu gabagabo marayo qorshaha dib loo bilaayo shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Wasaarada Arrimaha gudaha ay wado dadaaladii ugu dambeeyay ee ku saabsan sidii shacabka dega gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe ay u heli lahaayeen Maamul ay ku mideysan yihiin.

Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada Arrimaha gudaha Soomaaliya Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in Odayaasha dhaqanka iyo Ergooyinka ka qeyb galaya Shirka ka furmaya Jowhar iney tagayaan Magaalada Jowhar si ay ugu qeyb galaan shirka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Urur goboleedka IGAD ayaa horay u shaaciyay in Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe uu dib u bilaabanayo.

Sidoo kale waxaa weli jira Cabashada ka soo baxeysa Odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan ee ku aadan in sidii la rabay aysan Dowladda Soomaaliya u wadin Shirka.

Muqdisho September 07, 2016 Wasiirkka Haweenka Iyo Arrimaha Bulshadda Soomaaliya Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa sheegtay in Haweenka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin iney ka qeyb galaan Siyaasada Dalka.

Wasiirada ayaa sheegtay in diinta islaamka aysan Haweenka Soomaaliyeed u diideyn in ay ka qeyb galaan Siyaasada Dalka.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in loo baahan yahay in la cadeeyo oo aan afka keliya laga sheegin qoondada Haweenka ee 30% oo Madaxda Soomaalida ay isku raaceen.

Wasiirka Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa masuuliyiinta ka qeyb galeysa Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ugu baaqday in ay Cadeeyaan kaalinta Haweenka ee Dowladdaa Cusub.

Jowhar September 07, 2016 Xiisad dagaal oo u dhaxeysa beeraleey iyo xoolo dhaqato ayaa ka taagan degaan ku yaalla duleedka magaalada Jowhar una dhow degaanka Qalimow ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Wiil dhallinyaro ah oo lagu dilay deegaanka Qalimow ayaa la sheegay in xiisaddan ay ka dhalatay, iyadoo ay isku soo hub uruursadeen xoolo dhaqatada iyo beeraleyda.

“Meeshaan waxaa ka jira xiisad taas oo ka dhalatay muran iyo khilaaf soo kala dhex galay dad isugu jira beeraleey iyo xoolo dhaqato waxaana uu keenay inay isu hub qaataan” ayuu yiri qof kamid ah dadka degaanka oo la hadlay warbaahinta

Xilliyada qaar ee sanadka ayaa dhul beereedyada gobalka Shabeellaha Dhexe ee Koonfurta dalka waxaa ka dhacay dagaallo ku saleysan lahaanshiyaha dhulka iyo khilaafyo kale.

Odayaal iyo waxgarad ka kala socda labada dhinac ayaa waanwaan ka dhex wada labada dhinac si loogu guuleysto in degaanka dhibaatada ka jirta la damiyo oo wax walba wada hadal lagu xalliyo.

Maamulka dowladda ee gobalka iyo kan degmada Jowhar ayaa weli ka hadlin xiisaddani dagaal walow la soo sheegayao in ciidamo ka tirsan maamulka ay ku baxeen.

Puntland September 07, 2016 Maamulka Puntland ayaa xilligaan aad uga shalleynaya xiritaankoodii ku aadanaa xadkii ay la lahaayeen Galmudug ee Gaalkacyo, kadib markii xaalad adag ay galeen.

Gabi ahaanba deegaannada Puntland waxaa laga la yahay Qudraddii cagaarneyd ee muhiimka ahayd, iyadoo maqaayada qaar ee deegaannadaasi la iska xiray.

Halkii Muus ayaa deegaannada Puntland ka gaaray 20-kun oo shilinka Soomaaaliga ah, sidoo kale waxaaba la arkayn Qudradda cagaarka ah ee ay ka heli jireen deegaannada Koonfureed.

Inkastoo shacabka Puntland dhibaatada soo gaareyso haddane hoggaankooda ayaa u dooray sidan, waxayna ka ceybsanayaan in dib ay u furaan adeegyadii Koonfur ka heli jireen.

Sidoo kale Khasaaraha kale ee Puntland dareemi doonto waxaa ka mid ah dhanka dekadda Boosaaso oo Bishaan shaqadeedu hoos u socoto,  waxaana doonyo gobollada dhexe wax usoo waday lagu amray in dhan ka Hobyo yimaaadaan.

Muqdisho September 07, 2016 Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo saaray wareegto ku saabsan habraaca shaqada dowladda ee waqtiyada doorashada.

Wareegtadan aya khuseysa sidii loo ilaalin lahaa hannaanka iyo geedi socodka doorashooyinka, iyadoo la isku diyaarinayo doorashada xildhibaanada labada aqal iyo doorashada Madaxweynaha.

Sida ku xusan Dastuurka KMG ee dalka, Madaxweynuhu waa ilaaliyaha midnimada iyo shuruucda waddanka, sidaa darteed iyadoo taasi la eegayo, isla markaana uu Madaxweynuhu tixgelinayo go’aankii Madasha Hoggaanka Qaranka ee 9-kii bishii August, 2016 ayaa waxaa uu soo saaray awaamiirta soo socota:

1)—Laga billaabo maalinta ay taariikhda ku beegan tahay 5-ta September, 2016, iyadoo hawl maalmeedka dowladda ee ah u adeegidda shacabka sidii caadiga ahayd loo wadayo, ayaa haddana waxaa la joojiyay:

a)—Magacaabista ama shaqo ka joojinta jagooyinka sare ee dowladda iyo dallacsiinta saraakiisha Ciidammada Qalabka Sida.

b)— Lama bedeli karo qaab dhismeedka hadda jira ee hay’adaha dowladda oo dhan.

c)— Lama bixin karo kharashaadka aan ku jirin habraaca miisaaniyadda 2016, marka laga reebo kharashka boqolkiiba afartan ah (40%) oo dowladda kaga soo aadday kabista dhaqaalaha doorashooyinka iyo kharshyada kale ee lagama maarmaan loogu arko habsami u socodka hawlaha dowladda.

d)— Lama geli karo heshiisyo iyo qandaraasyo cusub oo aan ka ahayn kuwii horay u socday. Sidoo kale lama geli karo ballanqaadyo kharash la xiriira.

2)—Awaamiirtan ma khuseyn doonto hawlaha ay fulintooda socdeen intii ka horeysay 05/09/2016 (Shanta September).

3)—Awaamiirtan waxay socon doontaa ilaa 5-ta November 2016.

4)—Waxaa dhammaan hay’adaha fulinta ee dowladda ee wareegtadan loo gudbiyay la farayaa inay awaamiirtan dhaqan-geliyaaan, iyagoo tixgelinaya marxaladda lagu jiro iyo hannaanka geedi socodka doorashooyinka.

WARARKA MAANTA September 06, 2015
Su’aasha Maanta: Doqonimadda Iyo Damiir La’aanta Kooxda Damu-Jadiid ee sida dadban ku qabsatay xukunka dalka oo Madaxweyne Xassan Shiikh Iyo Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid labadooda ay u wada sharaxan yihiin jaggadda madaxweynenimadda Soomaaliya balse Ummadda Soomaaliyeed si fiican ha u ogaato waxa dalka waan xukunaa leh waa dadkan sida qaldan iyo siyaasaddan waalan ee foosha-xun ku dhaqmaya marka waa iney is-casilaan si deg deg ag 24 saac ee soo socota haddii kale waddanka waxuu geli doonaa fowdo siyaasaddeed aysan habeen iyo maalin ka harsan doonin xitaa haddii ay waddanka ka dhoofaan. Waxaanu sugnaa waa Guddomiyaha Golaha Baarlamaanka hawl-gabka laga dhigay asagna inuu ku dhawaaqo inuu yahay musharax jaggadda madaxweynaha Soomaaliya.
 
Muqdisho September 06, 2016 Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ayaa sheegay inuu doonaayo Afarta sano ee soo socota inuu hogaamiyo Somaliya, islamarkaana uu
la yimaado isbedel siyaasadeed.
 
Waxa uu sheegay dalka xilligaan inuu u baahan yahay qof ka samata bixiya dhibaatooyinka kala duwan ee ka jira, sidoo kalena dhameystira howlaha Qaran ee yaala.
 
Cumar C/rashiid ayaa tilmaamay qorshihiisa inuu yahay dalka inuu ku soo dabaalo Xasilooni Siyaasadeed iyo sidii Shaqo loogu abuuri lahaa Dhalinyarada Somaliyed.
 
Doorashadii sanadkii 2012, Ayeey Aheyd Markii Ay xilligaas musharaxiin ahaayeen Madaxweynihii iyo Ra’iisul Wasaarihii waqtigaas Sheekh Shariif Shiikh Axmed iyo C/wali Gaas Oo Hadda Madax ka ah Puntland
 
Muqdisho September 06, 2016 Inta la og yahay Hal Qof ayaa ku dhintay Shan kalena wey ku dhaawacmeen Hoobiyaal Maanta ku soo dhacay Agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan meel u dhaw Iskuulka 15-may oo ku yaalla Dhamarka dambe ee Madaxtooyada.
 
Guddoomiyaha Degmada Warta-nabadda ayaa Radio Kulmiye u Xaqiijiyay in Qofka Dhintay uu yahay Illmay yar illaa Shan kalena ay ku dhaawacmeen Hoobiyaasha.
 
Ma jirto Cid sheegtay halka laga soo tuuray Hoobiyaasha ku soo dhacay qeybo ka mid ah Degmada Warta-nabadda ee Magaalada Muqdisho.
 
Muqdisho ayaa Maanta Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada waxaa uga Furmay Shirka Madasha wada-tashiga Qaran.
 
Muqdisho September 06, 2016 Tiro Hoobiyaal ah ayaa Goor dhaw ku soo dhacay Agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya,waxaana jira Khasaaro ka dhashay Hoobiyaashaas.
 
Illaa Afar Hoobiye ayaa ku soo dhacay Meel aan sidaa uga Fageyn Iskuulkii Sare ee 15-May oo ku yaalla Dhabarka dambe Ee Madaxtooyada Soomaaliya.
 
Hoobiyaashaas ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen Dad Shacab ah oo ka mid ahaa Dadka Degan Agagaarkaas.
 
Illaa hadda ma jirto Cid Og halka laga soo tuuray Hoobiyaasha ku soo dhacay Degmada Warta-Nabadda ee Magaalada Muqdisho,iyadoo Maanta Madaxtooyada Soomaaliya uu ka furmay Shirka Madasha wada-tashiga Qaran.
 
Muqdisho September 06, 2016 Wararka inga soo gaaraya Suuqa Bakaaraha gaar ahaan agagaarka Suuqa Daawada ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax khasaare geystay uu ka dhacay Maqaaxi ku taalla halkaasi.
 
Qaraxa ayaa ayaa la sheegay in lagu riday Bac Madow halkaasi taalay, waxaana xilligii uu Qaraxa dhacayay goobta ku sugnaa dad fara badan.
 
Wararka qaar ayaa sheegaya xilliga uu Qaraxa dhacayay in goobta ay kugnaayeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Maaliyada Degmada Howlwadaag, inkastoo wararkaasi aan si rasmi ah loo xaqiijin karin.
 
Ilaa iyo hada looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxa ka dhacay Suuqa Bakaaraha gaar ahaan agagaarka Suuqa Daawada.
 
Berbera September 06, 2016 Waxaa maanta muraayado u soo xidhay shacabka mid ka mid raga doonaya inay dhaxal wareejiyaan Dekada Berbera, iyaga oo ku been abuuranaya shacab gobolada Waqooyi oo leh waxaa ina soo galay daqli badan. Taasi oo ah beentii ugu waynayd ee mudo la maqlo.Dhinace waxaad loola yaabanyahay maamulka somalilad oo ku qanciyay inay 10% Dp world ay siiso dowlada Itoobiya oo heshiiskan qayb ka ahaa.
 
Muqdisho September 06, 2016 Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
 
Shirkan Madasha Qaran ayay horey Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyada Dalka ugu heshiiyeen in uu furmo 7 Bishan September, balse waa laga soo hormariyay waxaana lagu waday in uu shalay Furmo , laakiin dib u dhac ayaa ku yimid oo maanta ayuu furmay.
 
Shirkan ayaa inta badan waxyaabaha diirada lagu saari doono waxaa ka mid ah turxaan bixinta Golaha Sare ee Baarlamanka, sidii tabashooyinka loo yarayn lahaa, Maqaamka Magaalada Muqdisho oo xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran weli aysan si toos ah u cadeynin, iyadoo dalabaad kala duwan oo arintaasi ku saabsan loo jeedinaayay.
 
Muqdisho September 06, 2016 Duqii hore ee Magaalada Muqdisho Max’uud Axmed Nuur Tarsan,ayaa sheegay in mar haddii Madaxweynaha iyo Ra’isalwasaaraha ay musharrax madaxweyne ku dhawaaqeen uu mid kood is casilo si aan loogu takri falin hantida Qaranka sida uu hadalka u dhigay.
 
Tarsan,waxaa uu sheegay in Labaduba ay adeegsanayaan Hantida Qaranka oo ay ugu horreeyaan Ciidanka ilaalinaya,Warbaahinta iyo Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.
 
Waxaa uu dhaliil ka keenay in Ra’isalwasaaraha iyo madaxweynaha dalka ay labaduba musharrax madaxweyne noqdaan iyaga oo wali haya xilkii Qaranka islamarkaana maamulaya Hantida shacabka.
 
Waxaa uu ugu baaqay in ay wareejiyaan Gaadiidka,Ciidanka iyo guryaha ay ka dagganyihiin Madaxtooyada kadibna ay u tartamaan xilka madaxtinimada iyaga oo la siman Musharrixiinta kale ee tartameysa.
 
Madaxweynaha iyo raa’isalwasaaraha oo Musharrax ah ayuu ku tilmaamay in ay ceebtahay islamarkaana aysan ahayn wax u wanaagsan waddanaka,waxaana uu walaac ka muujiyay sida Hantida Qaranka ay ku nabad galeyso.
 
WARARKA MAANTA September 05, 2015

Muqdisho September 05, 2016 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta gelinkii dambe saxiixay Sharciga Axsaabta Siyaasadeed ee Dalka ka dib Munaasabad Kooban oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Munaasabada ayaa Waxaa Goob jog ka ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Ergayda gaarka ah ee Xoghaya Guud QM u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Masuuliyiin ka tirsan labada golle ee Dowladda, iyo Xubno ka socday qaar ka mid ah Axsaabta Siyaasadeed ee dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Markii uu Saxiixay ka dib ka hadlay Munaasabada ayaa sheegay in sharcigaan uu ka mid yahay Sharciyada ugu Muhiimsan ee dalka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka sheekeeyay qodobada Muhiimka ah eek u jira Sharcigaan iyo sida ay shacabka Soomaaliyed ugu faa’iideysan karaan.

6-dii Juun ee Sanadkaan 2016 ayay ahayd Markii Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay ansixiyeen Sharciga Axsaabta Siyaasadeed ee Dalka.

Muqdisho September 05, 2016 Magaalada Muqdisho waxaa si rasmi ah uga furmi doona 10-ka bishan aynu ku jirno shir madaxeedk dalalka xubnaha ka ah Urur gobaleedka IGAD sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Maalgashiga Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cumar Hadliye oo maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Nairobi.

Hadliye ayaa sheegay in shirka ay ka soo qeybgali doonaan Madaxweyneyaasha dalalka Ugandha, Sudan, Jabuuti, Kenya, Koonfurta Sudan iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Waxaa uu sheegay in shirkan uu yahay mid dalalka IGAD ay ku muujinayaan nabada iyo horumarka ka jira Somalia.

”Wasiirada arrimaha Dibadda IGAD ayaa sanadkii hore ku kulmay Muqdisho, Waxaa lagu balamay in shirka Madaxda dalalka IGAD uu ka dhaco Magaalada Muqdisho”. ayuu yiri Wasiir Hadliye.

Wasiirka ayaa soo dhaweeyay sida Urur gobaleedka IGAD uu u garab istaagay Soomaaliya iyo dadaalka ay mar walba ugu jiraan daganaashaha iyo horumarka Soomaaliya.

Tallaabadan ayuu sheegay inay meesha ka saari doonto cabsida kooxo uu ugu yeeray argagixiso dooneyaan inay ka abuuraan Soomaaliya, isagoo xusay in maanta Soomaaliya ay mareyso Marxaladdii ugu dambeysay ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada, lagana gudbayo cabsidii ka jirtay.

Afgooyo September 05, 2016 Wararka inaga soo gaaraya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax khasaare geystay uu ka dhacay xalay fiidkii Duleedka Degmadaasi.

Qaraxan oo ahaa Miinada nuuca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa Gaari ay la socdeen dad shacab ah lagula eegtay Deegaan 7 KM ujira Degmada Afgooye.

Sida Risaala ay u sheegeen Dadka Deegaanka Qaraxan ayaa waxaa ku dhimatay 2 Qof halka 3 kalena ay ku dhaawacmeen.

Maamulka Degmada iyo ciidamada amaanka ayaa waxa ay gaareen goobta uu ka dhacay Qaraxa, waxaana halkaasi ay ka sameeyeen Howlgallo, inkastoo Howlgaladaasi aysan jirin cid lagu soo qab qabtay.

Maamulka Degmada ayaa waxa ay sheegeen in ay wadaan baaritaano dheeraad oo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyay falkan.

Muqdisho September 05, 2016 Ciidanka Howlgalka u jooga Soomaaliya ee AMISOM oo garab ka helaya Ciidanka Dowladda ayaa shalay gelinkii dambe ilaa saqdii dhexe ee xalay waxa ay Howlgal gaar ah ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan Degmada Waaberi.

Howlgalka ayaa ahaa mid gaar ah oo ay Ciidamadu ka sameyeen xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Waaberi, iyagoo dadka qaar ee xaafada Degan ay weydiinayeen su’aalo gaar ah oo Qofka la xiriira.

Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee qeybta ka aheyd Howlgalkan ayaa Warbaahinta u sheegay in ujeedka Howlgalkan uu ahaa mid lagu sugayay amniga Degmada oo maalmihii u dambeeyay ay ka dhacayeen Dilal qorsheysan.

Goobjooge lagu magacaabo Ismaaciil Caqiila oo Warbaahinta  u waramay ayaa sheegay in Howlgalka lagu soo qab qabtay dad kor u dhaafaya 70 Qof oo u badan Dhalinyaro, isagoo intaa ku daray in dadka Howlgalkan lagu soo qab qabtay ay Ciidamadu Gawaarida shabaqlaha ah ay ku wateen si baaritaano loogu soo sameeyo.

Maalmihii udambeeyay Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa Degmooyinka qaar ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay ka wadeen Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Baydhaabo September 05, 2016 Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa ay magaalada Beydhabo ku soo bandhigeen Hub iyo Agab ciidan oo ay sheegeen in ay ka qabsadeen ururka Al-shabaab.

Wasiirka Hub ka dhigista iyo Dhaqancelinta Maleeshiyaadka Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay) oo la hadlay Warbaahinta ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay Howlgal gaar ah oo ay sameeyeen Ciidanka Koonfur Galbeed in ay ku soo furteen 5 Qori oo AK47 ah iyo Agab kale oo ciidan, isagoo sidoo kale sheegay in Howlgalkaasi ay ku dileen 3 Dagaalame oo ka tirsan Shabaab.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in weerarkan uu ka dhacay meel Deegaanka Labaatan-jirow 6KM ujirta, wuxuuna sheegay in Howlgalkan uu qeyb ka yahay Howlgalada Shabaab looga saarayo Deegaanada ay kaga sugan yihiin Koonfur Galbeed.

Wuxuu sheegay in ay wadaan qorshe lagu furayo wadada dheer ee isku xirta Diinsoor, Qansax-dheere iyo Bardaale oo hada ay ku sugan yihiin Dagaalyahano ka tirsan Shabaab.

Laascaanood September 05, 2016 Warbaahinta Caalamiga ah ee Widhwidh online ayaa Barnaamij cajiiba ka diyaarisay kacdonkii maanta ee shacabka laascaanood,kaas oo ruxay guu ahaan gobalka sool iyo nawixigiisa.

Shacabka reer laascaanood ayaa ka gadooday maanta xaalado kala duwan oo dhawaanahan soo food saaray gobalka kuwaaas oo iskugu jira gobaadfalo fool xun iyo dilal qorshaysan oo lagu tuhmay maamulka soomaaliland ee ku sugan magaalada laascaanood.

Banaanbax xoogan oo ayaa saaka hiir hore ka bilaabmay guud ahaan magaalada laascaanood kaas oo markii dambe dhaliyey khasaare rabshadeed oo ay ka dhalatay dhimasho iyo dhaawacba,in kasto ay shacabku guud ahaan maanta gacanta ku dhigeen hanaanka maamulka ee guud ahaan xarumihii kala gadisanaa ee maamulka soomaaliland laascaanood uga arrimin jiray.

Baabuur ayaa la gubay,xarumhii kala duwanaa yaa la bililqaystay sida,maaliyada dowlada hoose,Banka,jeelkii oo shacabku ka wareegay waxaana halkaas iskaga baxay guud ahaan xubnihii maamulka siilaanyo hargaysa uga keenay in ay laascaanood xoog ku xukumaan,iyagii u baxsaday dhankaas iyo magaalada Burco.

Jawiga ayaa caawa degan waxaana magaalada lagu arkayaa caruurta iyo haweenka oo si raxan raxan ah u dabaal degaya kuna dhaawaqaya hal qabsiyo kala duwan sida,,Khaatumaan nahay,Soomalia waa mid,Soomaaliland ha naga baxdo,dooni mayno dilka qorshaysan iwm.

WARARKA MAANTA September 04, 2016

Puntland September 04, 2016 Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta  04 September, 2016 baaq  ku saabsan wax ka qabashada dhibaatadii ka dhalatay qaraxyadii dhowaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo u diray guud ahaan ummada Soomaaliyee gaar ahaan shaabweynaha reer Puntland.

Madaxweynha oo warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay in dawladda Puntland ay diyaar u tahay in ay  kaalinteeda buuxiso, balse  shacabka Puntland looga baahan yahay in iyagoo isku tashanaya ay si wada jir ah meel uga soo wada jeestaan  isla markaana ay u guntadaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen dhibaatadaasi.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in dhibaatada ugu weyni ay saamaysay cusbitalka guud ee magaalada Gaalkacyo, kaas oo halbowle u ah guud ahaan dalka Soomaaliya iyo dalalka Deriska ah isla markaana loo baahan yahay in si gaar ah looga hawl galo.

Dhinaca kale Madaxweynuhu waxa uu ugu baaqay qurbe joogta Puntland in ay gacan weyn ka geystaan dedaalada loogu jiro wax ka qabashada dhibaada dhalisay burburka dhaqaale ee ka dhacaday magaalada Gaalkacyo iyo sidoo kale ka qayb qaadashada dhismaha cusbitalka guud ee degmada Gaalkacyo.

Ugu dambayn, Madaxweynuhu waxa uu uga mahadceliyey jaaliyadda reer Puntland ee ku dhaqan waddanka Denmark oo ka qayb qaatay wax ka qabashada dhibaatadii dhowaan ka dhacday magaalada Gaalkacyo.

Laascaanood September 04, 2016 Dhawaqa rasaasta dhafan dhaafka u dhacaysa ayaa ilaa hadda ka socda magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Inta la ii xaqiijyay, hal ruux ayaa ku geeriyooday rasaas ay riddeen askar kasoo jeeda Bariga Burco, iyada oo sidaasi ay u ku bilaabmeen Bannaanbaxyo iyo Weeraro hubaysan oo lagu qaaday Goobaha maamulka Somaliland.

Waxa aan lugahayga ku teggay Saldhiga Dhexe, Bangiga, iyo Taliska Qaybta oo Shacab gaddoodsan la wareegeen.

Waxa la ii sheegay, in askartii kasoo jeeday Burco ay gebbi ahaanba ka baxeen magaalada Laascaanood, iyaga oo hore usii qaatay tiro aan la xaqiijin oo mayd iyo dhaawacba leh. Cusbitaalka Manhal oo aan la xidhiidhay hal qof oo dhaawac ayaa la gaadhsiiyay, Cusbitaalka guudna waxa la iiga xaqiijiyay dhimashada halkii ruux ee rabshaduhu ka bilaabmeen.

Waxaa hadda Laamiga maraya shacab nefisay, oo si xor ah calanka Soomaaliya u babinaya iyaga oo ku dhawaaqaya ereyo ay ku diidanyihiin maamulka Somalilan

Dhanka kale warar aan ilaa hada la xaqiijin ayaa sheegaya in ay dhaawaca ciidan maleeshiyaadka hargaysa dhaawacoodu kor u dhaafay 30 ruux hakka maydkooda ay hore usii qaateen waxaana lagala wareege dhamaan xarumiii ay laascaanood ka xukumi jireeen ciidankakasoo jeeda bariga magaaalada burco ee beesha isaaq.

Wararka Widhwidh online

Laascaanood September 04, 2016 Kadib markii maanta magaalada laascaanood xarunta gobolka sool uu ka dhacay dagaal iyo kacdoon is daba socda kaasi oo bilowday kadib markii maleeshiyaadka snm si badheedh ah ugu dilen laascaanood qof shacab ah. https://www.youtube.com/watch?v=eOS58WvuqAQ

Cadaado September 04, 2016 Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in dhawaan korontadii iyo biyihii laga jartay xarunta Madaxtooyada Maamulka Galmudug ee kutaala magaalada Cadaado, waxaana hada soo baxaya faah faahino dheeraad ah oo ku aadan sababta arintaasi ka dambeysay.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in xarunta Madaxtooyada Galmudug uu mudooyinkan dambe ku shaqeenayay Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey) laga jartay Korontada iyo Biyaha, hasa ahaatee dhoor maalin kahor ayuu Madaxweyne kuxigeenka waxa uu u safray magaalada Gaalkacyo waxaana Madaxtooyada gaaray Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Arinta layaabka eh ayaa dhacday kadib markii Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir uu tagay Madaxtooyada, waxaana xaruntaasi gabi ahaan laga jaray Korontadii ,biyihi iiyo Raahinkii loo sameyn jiray Masuuliyiinta.

Madaxtooyada Galmudug ayaa saacado badan mugdi aheed, waxaana shaki dhaliyay sababta korontada loo jaray markii uu halkaasi ka tagay Gudoomiyaha Baarlamaanka, waxaana saacado badan kadib lagu guuleestay in dib loo soo celiyo adeegii Madaxtooyada.

Wararka soo baxaya Madaxda sare ee maamulka Galmudug ayaa sheegaya in uu Madaxweyne kuxigeenka uu arintan ka dambeeyay , waxaana Xildhibaanada iyo Masuuliyiinta kal ee Galmudug isweediinayaan sababta loo jaray adeegii Madaxtooyada markii uu halkaasi ka tagay Madaxweyne kuxigeenka.

Dhinaca kale Maamulka Cadaado iyo waxgaradka magaaladaasi oo iyagu ka dambeeyay jarida korontada iyo adeega Madaxtooyada ayaa qiil u waayay sababta ay u jareen Koromtadii iyo Madxatooyada markii uu xaruntaasi tagay Gudoomiyaha Baarlamaanka.

”Waxaa layaab nagu noqtay oo la isweediiyay waxa kalifay in Biyihii iyo korontadii laga jaro madaxtooyada markii uu Cali Gacal yimid, waxaa la weediiyay qolyihii arintaasi ka dambeeyay sababta ay sidaas u yeeleen waxa ayna sheegeen in maamulka ka cabanayaan xaquuqda uga maqan tahay , waxa aysa qiil u waayeen sababta isku soo beegtay in ay jaraan Korontada iyo biyaha Madaxtooyada markii uu baxay Madaxweyne kuxigeenka uuna yimid Gudoomiyaha Baarlamanaka ” Ayuu yiri Xildhibaan katirsan Galmudug.

Isku soo wada duuboo Maamulka Galmudug ayaa u muuqda mid fadhiid ah oo kufashilmay qorshihii loo dhisay, waxaana inta badan magaalada Muqdisho kunool wasiiradii iyo xildhibaanadii maamulkaasi kuwaa oo waayay xaquuqdooda iyo meel ay ka shaqeeyaan.

Muqdisho September 04, 2016 Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo kulan la qaatay  Guddoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Ciidanka Heer Gobol ayaa ka hadlay Amniga Caasimadda Muqdisho.

Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in ay jirto Habacsanaan ku aadan Sugidda Amniga Gobolka Islamarkaana loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo Nabad Galyada si looga hortago Weerarada ay Al-shabaab ka geystaan Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Booliska Ee Gobolka Banaadir Bashaar Bashiir Geedi oo asana kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay yar tahay wadashaqeynta ay leeyihiin qaar ka mid ah Guddoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Amniga ee ka hoos shaqeeya,waxuuna xusay in aan loo dul qaadan doonin Arrintaas oo Talaabo laga qaadi doono Ciddii gudan weysa Waajibka saaran.

Al-shabaab ayaa Weeraro kala duwan ku qaada Xarumaha Dowladda iyo Hotelada ku yaalla Magaalada Muqdisho,waxaana ugu dambeeyay Weerarkii lagu qaaday Hotelka SYL oo Dhimasho iyo Dhaawac Sababay.

Bardaale September 04, 2016Wararka naga soo gaaraya degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidanka dowladda Soomaaliya iyo ururka Al-Shabaab ay ku dagaalameen deegaano hoos yimaada degmada Bardaale ee gobolka Baay.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii ciidamo ka tirsan Koonfur Galbeed ay howgallo ka bilaabeen deegaano hoos yimaada degmada Bardaale.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasada degmada Bardaale  ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay dileen dagaalyahano ka tirsan Al-Shaabaab dagaal ka dhacay duleedka degmada Bardaale .

Cali Cadow Isaaq ayaa sidoo kale sheegay in ay sii laba jibaari doonaan howgallada ka dhan ka ah ururka Al-Shabaab.

Jubbaland State September 04, 2016 Maamulka Jubbaland ayaa maamul cusub maanta u magacaabay degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo, koonfurta Soomaaliya.

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenka Koowaad maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo waayadii dambe ku sugnaa degmadaasi ayaa soo gebogabeeyay wada hadallo ay la lahaayeen waxgaradka degaanka.

Madaxweyne ku xigeenka waxaa safarkiisan ku wehlinaya wasiiru dowlaha ammaanka Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil iyo guddoomiyaha gobalka Gedo Maxamed Muxumed iyo wasiirro kale oo Jubbaland ka tirsan.

Maamulka Jubbaland ayaa maamulka cusub ee uu u magacaabay degmada Ceelwaaq ayaa wuxuu ka kooban yahay 15 xubin.

Guddoomiyaha degmada Ceelwaaq waxaa loo magacaabay Ibraahim Guuleed oo horayna u ahaa halka ku xigeenkiisa loo magacaabay Sahal Macallin Aadan.

Wafdiga uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa intaas kadib u dhaqaaqay degmada Baladxaawo ee gobalka Gedo halkaas oo iyana maalmahan uu ka taagnaa muran xagga maamulka ah.

Laascaanood September 04, 2016 Banaanbax Rabshado wata ayaa maanta ka dhacay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Banaanbaxa ayaa yimid ka dib markii Dadka Magaalada ku nool ay sameeyeen Mudahoraad ay uga soo horjeedaan Dilalka Qorsheysan ee ka dhaca Magaalada Laascaanood,iyadoo Ciidamada Somaliland oo doonayay in ay kala Eryaan Banaanbaxayaasha ay isku dhaceen Dadkii Dibadbaxa dhigayay.

Illaa Labo Askari oo ka tirsan Ciidanka Somaliland ayaa ku dhintay Isku dhaca,iyadoo ay ku dhaawacmeen Siddeed kale oo Shacab u badan.

Xaaladda Magaalada ayaa weli kacsan,waxaana Xiran isku socodka Dadka iyo Gaadiidka Magaalada Laascaanood.

Magaalada ayaa horay waxaa dhowr jeer uga dhacay Dilal Qorsheysan oo uu ugu dambeeyay Madaxii Shirkadda Dahabshiil.

Uganda September 04, 2016 Taliyaha Guud ee Ciidamada  Dowladda Uganda  Jeneral Katuba Wamaala oo Wareysi siiyay Wargeys ka soo baxa Dalka Uganda ayaa sheegay in Askari ka tirsan Ciidamada Uganda ay  Gacanta ku hayaan Al-shabaab islamarkaana lagu qabsaday Dagaalkii ka dhacay  Degaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Taliyaha ayaa sheegay in Dowladda Uganda ay wado Qorshe ay ku soo furaneyso Askariga Gacanta ugu jira Xarakada Al-shabaab.

Jeneral Katuba Wamaala ayaa sheegay in weerarkaasi Janaale dowladda Uganda looga dilay 19 askari oo qeyb ka ahaa ciidanka Midowga Afrika ee howlgalka kawada gudaha dalka Soomaaliyeed.

Al-shabaab ayaa sheegtay in Weerarkii Janaale oo Sanad ka hor dhacay ay ku dileen illaa   100 Askari oo ka tirsan Ciidamada Uganda.

Uganda September 04, 2016 Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka SomalilandYaasiin Xaaji Maxamuud”Faratoon” oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Wasiirro,Xildhibaanno iyo Salaadiin ka tirsan Somaliland ay hurinayaan Colaadda ka taagan Gobolada Sool iyo Sanaag.

Wasiir Faratoon ayaa ugu baaqay Mas’uuliyiinta ka tirsan Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo in ay joojiyaan Hurinta Colaada ay ka qeyb qaadanayaan ,waxaana uu intaa ku daray in lala Xisaabtami doono markii Gacanta lagu dhigo.

Dagaal dad badan ay ku dhinteen ayaa Maalmo ka hor ka dhacay Degmada Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag,waxaana Eeda Wasiirka ay imaaneysaa Xilli weli Xiisad ay ka jirto Gobolada Sool iyo Sanaag.

WARARKA MAANTA SEPTEEMBAR 03, 2016

Muqdisho Septeembar 03, 2016 Beesha Caalamka ayaa sheegtay in ay bixisay dhaqaalihii ay ugu tala galeen Doorashada lagu wado in ay dalka Ka dhacdo bilaha fooda nagu soo haya.

War kasoo baxay  Qaramada Midoobay , Midowga Afrika , Midowga Yurub , Urur goboleedka IGAD , Boqortooyada Engriiska , Mareynkanka  , Sweden iyo Talyaaniga ayaa lagu sheegay in ay bixiyeen dhaqaalihii loogu tala galay Doorashada Soomaaliya 60% si loo sii amba qaado howlaha doorashooyinka Soomaaliya.

Warka Kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay muhiim tahay in hore loo ambaxa qaado howlaha doorashooyin , islamarkaana aan lagu mashquulin waxyaabaha doorashooyinka dib u ridikara.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale Madaxda dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay ilaaliyaan waqtiga Doorashada , waxayna ku taliyeen in doorashada Aqalka Sare, Aqalka Hoose iyo tan Madaxweynaha in ay muhiim tahay in ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay.

Xubnaha Beesha Caalamka ee lacagta bixiyay ayaa sidoo kale waxa ay codsadeen in doorasho xalaal ah oo ay ku wada qanacsan yihiin bulshada Soomaaliyeed in ay dalka ka dhacdo.

” Waa muhiim in ay Shaqadu bilaabato si doorashadu ugu dhacdo waqtigii loogu tala galay”  ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee  Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay Soomaaliya kaleyso Marxaladu kala duwan sidaas darteedna loo baahan yahay in si wadar ah looga qeyb qaato.

Beesha Caalamka ayaa sheegay in ay la shaqeyn doono dhinacyada kala duwan ee ay khuseyso Doorashada Soomaaliya.

Muqdisho Septeembar 03, 2016 Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya Amisom ayaa beesha caalamka ka dalbadey in laga taageero sidii ay uga hortegi lahayeen miinooyinka qaraxyada loo isticmaalo ee loo yaqaan (IEDs) gudaha dalka Somaliya.

Taliye ku xigeenka ciidanka Amisom Nakibus Lakara sheegay in qaraxyada ay sababaan miinooyinka la dhiso ay yihiin kuwo khatar badan, waxaana ay u baahan yihiin baaritaano in lagu sameeyo iyo tababaro la siiyo ciidamada baaraya, sidoo kale ayuu sheegay in loo baahan yahay qalab casri ah oo looga hortago la helo.

“Bomka iyo Miinooyinka dhulka lagu aaso waxay caqab ku noqdeen hawlgalada ciidamada Amisom, kuwaas oo awoodoodu xadidadan tahay, kumana filna in ay ka adkaadaan Miinada dhulka lagu aaso”ayuu yiri.

Amisom ayaa si rasmi ah u dalbatey in Beesha caalamku ku taageerto khubaro iyo qalab casri ah oo looga hortago qaraxyada miinooyinka, kuwaas oo noqdey hubka ugu weyn ee Al-Shabaab ay hadda kula dagaalamayaan.

Lakara ayaa sheegay in Al-Shabaab ay hadda bilaabeen in ay dhisaan Bom aad u culus kuwaas oo gaaraya 80kg.

Baaqa ka soo baxay Amisom ayaa ku soo aadayaa, xilli Shabaabka ay kordhiyeen qaraxyada ay la beegsanayaan ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Somaliya.

Muqdisho Septeembar 03, 2016 Marwada 1-aad Dalka, Qamar Cali Cumar, ayaa kulan casho ah u sameysay qoyskii uu ka baxay General Maxamed Cali Samatar, oo 20-kii bishii hore ee August ku geeriyooday wadanka Mareykanka.

Marwada 1-aad Dalka, ayaa markale kaga tacsiyadeysay geeridii naxdinta ee ku timid Madaxweyne Ku Xigeenkii hore Somaliya ahaana Wasiirkii Gaashaandhiga.

General Samatar, ayaa 25-kii August aas qaran loogu sameeyay Magaalada Muqdisho. Aaskiisa oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga, ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxda Qaranka, Maamul Goboleedyada qaarkood, qoyskiisa iyo xubno kale.

Qoyska General Maxa1-25 2-1 3-1 4-1 5 6 7med Cali Samatar, ayaa Marwada 1-aad iyo Madaxda Qarankaba kaga mahadceliyay abaabulka iyo doorkii muuqday ee Madaxtooyadu ku laheyd aaskiisa.

Allaha u naxariistee General Samatar, ayaa darajada ciidanimo ka gaaray Sareeye Guud, waana ninka keliya ee Soomaaliyeed oo darajadaasi ka gaaray ciidanimada.

Muqdisho Septeembar 03, 2016 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa umadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka wada shaqeeyaan nabadgelyada guud ee dalka, gaar ahaan waqtigan xasaasiga ah ee doorashada.

“Cadowga naf la caariga ah waxaa uu xaqiiqsadey in Soomaaliya ay hore u dhaqaaqdey, shacabkuna ay cagta saareen waddadii nabadda, horumarka iyo barwaaqada. Hadaba cadowga isagoo ka xun guulahaasi la gaarey waxaa isku dayi doonaa inuu carqaladeeyo doorashada iyo wax walba oo dan u ah umadda. Sidaa darteed waa in loo midoobaa sidii looga hortegi lahaa.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqey laamaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedyada iyo AMISOM inay si buuxda u dardar-geliyaan fulinta hawlahii lagu dhammeystiri lahaa guud ahaan sugidda nabadgelyada dalka, gaar ahaan amniga codbixiyeyaasha, musharixiinta, maamuleyaasha iyo kormeerayaasha doorashooyinka ee ku sugan goobaha doorashooyinka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa yiri “Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada waxaa ka go’an inay cadowga ka suuliyaan qayb kasta oo dalka ka mid ah, iyadoo ay taasi jirto,ayaa haddana waxaa la qaadi doonaa tallaabooyin gaar ah oo nabadda lagu sugayo waqtiga doorashada. Ciidammada Soomaaliya oo gacan ka helaya saaxibada aan leenahay ayaana hawshaasi adag u diyaar ah inay qabtaan.”

Madaxweynaha ayaa ugu dambeen ugu baaqey qaybaha bulshada rayidka, warfaafinta, culumada iyo aqoonyahanada inay shacabka iyo dowladda kala qeyb qaataan sidii loo sugi lahaa amniga goobaha doorashooyinka.

Muqdisho Septeembar 03, 2016 Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa ka hadlay Wadooyin xiran ee ku yaalla magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in wadooyinka aysan ka xirneyn isku socdoka dadka , laakiin ay ka xiran yihiin Gadiidka oo kaliya.

Ujeeda ugu weyn ee loo xiray Qaar ka mid ah Wadooyinka Caasimada ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku sababeeyay amni daro iyo in Cadowgu si fudud ku soo geli karo.

Madaxweyne Xasan ayaa ku adkeeysay in ay furan yihiin Wadooyinka Muhiimka ah  sida Wadooyinka gala Dekeda iyo Garoonka diyaaradaha, laakiin Wadooyinka Xiran loo xiray sababo amni dadka shacabka ahna loo ogol yahay in ay maraan .

Jubbaland State Septeembar 03, 2016 iyadoo Wafdi ka socda Maxkamada Ciidamada ee Maamulka Jubbaland ay ku sugan yihiin Magaalada Dooloow ee gobolka Gedo ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta ay Magaaladaasi ka sameeyeen shaqo aan weli la shaacin.

Sidoo kale wafdiga ayaa waxa ay yihiin kuwa  doonayo in ay ogaadaan qaabka Maamulka gobolka iyo kan degmada Dooloow uu ula shaqeeyo shacabka.

Taliyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Maamulka Jubbaland Xasan Ibraahim Sheekh Cabdi ayaa ka warbixiyay ujeedka ay Magaalada Dooloow u tageen.

Muqdisho Septeembar 03, 2016 Gudoomiye ku Xigeenka dhanka Siyaasada ee Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh oo Maanta ka qeyb galay Xaflad ka dhacday Xarunta Degmada Kaxda ee Muqdisho ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo amaanka guud ee degmada.

Waxa uu sidoo kale sheegay in shacabka degmada Kaxda loogu baahan yahay in ay bixiyaan Canshuurta guryaha.

Sidoo kale waxa uu shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaa amaanka guud ee Muqdisho isla markaana shacabka loogu baahan yahay in ay si dhaw ula shaqeeyaan laamaha amaanka.

Gudoomiye Yabooh ayaa sidoo kale ka hadlay kaalinta gobolka Banaadir eek u aadan taageerada Maamulka iyo Shacabka degmada Kaxda.

Puntland Septeembar 03, 2016 Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa goor dhaw oo galabtay ah soo gaaray  magaalada Gaalkacyo, waana lugtii labaad oo uu sannadkan gudihiisa ku yimid magaaladaas, oo hadda ay ka dhaceen bishii August mid kamid ah weeraradii ugu cuslaa ee ay geystaan kooxaha Argagixisada ah.

Madaxweyne Gaas ayaa howlo badan ay sugayaan, waxaana ugu muhiimsan sidii xal looga gaari lahaa mushkiladaha soo laab-laabtay ee magaalada Gaalkacyo, gaar ahaana kuwa la xariira dhinaca Galmudug & weerarada Argagixiso.

Madaxweynaha oo dhawaan tagey bishii July ee sannadan, Gaalkacyo wuxuu u sheegay waxgaradka & Bulshada in looga baahan yahay in ay labo uun mid doortaan in ay is difaacaan ama ay madaxa rogtaan sidii gorayadii, taas oo ka dhigneyd in ay dawladdu xoog kasta galisey magaalada.

Madaxweynaha ayaa lafilayaa in uu joogo magaalada labada maalmood ee foodda nagu soo haysa, isagoo uu uga sii horeeyey Kuxigeenkiisa Eng Cabdixakiim Xaaji Cabdulaahi Cumar (Camey) oo goor dhaw ka soo laabtay magaalada Goldogob oo uu tagey.

Waxgaradka & Bulshada Gaalkacyo ayaa Isha ku haya sida uu miro dhal u noqon doono go’aamadii ay soo rogtay dawladda Puntland, kuwaas oo ilaa hadda dadweynuhu ay siyaabo kala gedisan uga hadlayaan, iyadoo ganacsatada qaarkood ay walaac ka muujinayaan sida ay ku sii socon karaan.

Sidaas oo kale Hurgumooyinka dhinaca Galmudug ka imaanaya ayaa kamid ah arrimaha u baahan xal deg deg ah in laga gaaro, iyadoo la og yahay in dagaalkii Sanadkii ka dhacay magaalada aan ilaa hadda laga wada gaarin heshiis taaba-galay, waxaana dhawaan dib u soo laabtay Damaca Galmudug ee Xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha ayaa dhawaan u duuli doono magaalada Muqdisho oo uu kaga qeybgalayo shirarka Madasha Wadatashiga, sida ay sheegayaan wararka laga helayo Aqalka Madaxtooyada, iyadoo sidaas oo kalena warar kale ay sheegayaan in uu Madaxweynuhu sannadkan Xajka aadi doono.

1-1 2-1

WARARKA MAANTA SEPTEEMBAR 02, 2016

Muqdisho Septeembar 02, 2016 Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay sheegay in Maamulka Puntland tahay laba gobol iyo badh ( Nugaal Bari iyo Qeyb-kamid ah Mudug) saas oo ay tahay hadana waxay sheegayaa toban gobol daawasha wacan. Madaxweynaha Soomaaliya oo dhulka la galay Maamulka Puntland asagoo caddeyey in aysan waxba ka jirin sheegashada tobban gobal islamarkaasna qas iyo fowdo siyaasaddeed ay ku minjo-xaabiyeen dowladda uu hoggaamiyo ee Damu-Jadiid. Bal nala dhageysta Madaxweynaha Soomaaliya Mudane  Xasan Shiikh Maxamuud oo fadhi-ku-dirir siyaasaddeed ku billaabay Maamulka Puntland asagoo si cad u weerary kadib markuu uu muddo 4 sanno ah ku guuldarraystay inuu Ummadda Soomaaliyeed iyo dalka wax u qabto aan ka hayn inuu lacag xado iyo iibiyo hantida qaranka dhul iyo maal kale.

https://www.youtube.com/watch?v=dypL5bXlh-U

Muqdisho Septeembar 02, 2016 Saraakiisha ugu sareysa ee ciidanka Midowga Afrika ee Howlgalka u jooga Soomaaliya oo kulan yeeshay ayaa waxa ay ka hadleen sida loo sugi karo amniga xilliga Doorashada ee Bilaha September iyo October.

Isbatoore u hadlay ciidanka AMISOM oo lagu magacaabo John Meru ayaa sheegay in kulankooda ay diirada ku saareen sidii ay u sugi lahaayeen Amniga waqtiga Doorashada Soomaaliya, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa nabada iyo xasiloonida Geeska Afrika.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ay isku soo qaadeen sidii weerarada Al-shabaab looga horagi lahaa oo mararka weeraro gaadmo ah ka geysta Magaalada Muqdisho iyo Gobolada qaar ee Dalka, waxaa sidaasi yiri Isbatoore John Meru.

AMISOM ayaa sidoo kale Bulshada Soomaaliyeed ugu baaqday in ay la shaqeeyaan Booliska iyo Hay’adaha Amaanka, si loo sugo amniga xilliga Doorashooyinka.

Saraakiisha AMISOM ayaa ugu dambeyn balan qaaday in ay ka hortagayaan wax walbo oo carqalad ku keeni kara Doorashooyinka la filayo in ay Dalka ka dhacaan.

Al-shabaab ayaa laga cabsi qabaa in ay weeraro ka geystaan Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka xilliga lagu guda jiro Doorashooyinka Soomaaliya.
Muqdisho Septeembar 02, 2016Waxaa la  ogaatay in uu jiro Iskaashi xoog badan oo ka hor imaanaya Madaxweynaha dawladda Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, kaas oo ay wadaan Siyaasiin badan oo ka soo jeeda Puntland & magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya.

Kulan gaar ah ayaa markii labaad ka dhacay magaalada Nayrobi Asbuucii lasoo dhaafay, kaas oo dhexmaray Madaxweynihii hore ee dawladda Faderaalka KMG ahayd Shariif Sheekh Axmed & Ra’iisulwasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, oo ay uga wada hadleen arrimaha Xasaasiga ah ee waqtigan ka taagan gudaha Soomaaliya.

Kulanka oo ahaa mid aan la shaacin oo siyaasadeed ayaa xogta la helayo ay sheegaysaa inay ka wadahadleen xaaladda doorashada Soomaaliya ee 2016 oo labaduna ay musharax u yihiin xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Labada mas’uul oo hore Madaxweyne iyo Ra’iisal wasaare isu ahaa dowladii KMG ahayd ee Soomaaliya ayaa isku baheysanaya sidii ay doorashada soo socota uga adkaan lahaayeen madaxweyne Xasan Sheekh.

Horey labada Siyaasi oo uu sadexeeyo Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole waxay ku shireen magaalada Dubia ee dalka Isku Taga Imaaraatka Carabta, waxa ayna ka wada hadleen arrimaha doorashada oo ay heshiis ku soo gaareen.

Shariif Sheekh Axmed ayaa warar soo baxayaa ay sheegayaan in ay todobaadyada nagu soo aadan ku soo fool leeyaay deegaanada Puntland, ka dib markii uu dareemay jaanis siyaasadeed oo uu hadda ka helay dhinaca Puntland, maadaama Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uusan taageero badan ka haysan Siyaasiinta iyo Waxgaradka Puntland.

Xogaha Hoose ayaa sheegaya in ay labadan Siyaasi heshiis ka gaareen arrimo badan oo horey u dhexmaray, waxayna si gaar ah diirada u saareen Xildhibaanada ka imaanaya dhinaca Puntland in xooga la saaro, isla markaasna waqti badan la galiyo sidii Xildhibaanadaas loo kasban lahaa, iyadoo warar kale duwana ay soo baxayaan ilaa hadda.

Muqdisho Septeembar 02, 2016 Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa isku khilaafsan qorshe la doonayo in lagu xiro wadada muhiimka ah ee isku xirta garoonka diyaaradaha iyo Isgoyska KM4, iyadoo ay sii kordhayaan werarada qaraxyada ah ee ururka Al-Shabaab ka geysanayo magaalada Muqdisho.

Toddobaadkii la soo dhaafay ayaa saraakiil ka socotay Qaramada Midoobay waxa ay ku soo bandhigeen shir ay ka soo qeyb galeen saraakiil ka socotay AMISOM iyo Dowladda Soomaaliya qorshaha ah in la xiro wadada tagta garoonka diyaaradaha, si loogaga hortago in weeraro is-qarxin ah ay ku qaadaan Al-Shabaab xarumaha UN-ka.

Col. Osman Subagle, taliyaha cusub ee ciidamada Midowga Afrika isagoo ka hadlayay kulankaas si adag uga hor yimid qorshaha Qarmaada Midowbay, wuxuuna u sheegay Africa in ay dhigeeda u hurayso Soomaaliya, balse ay UNku bixiyaan oo kaliya Shilimaad dhaqaale, wadadana aan marnaba la xiri karin, balse loo baahan yahay in ciidamo dheeraad ah lagu kordhiyo.

Qorshahan la isku afgaran la’ yahay ayaa Qaramada Midoobay waxaay ku doonaysaa in ay basas ugaga soo qaado dadka ka dhoofaya garoonka diyaaradaha, laguna geeyo isgoyska Km4 ama Lambar4, wadadana la xiro.

Hase yeeshee, kulanka ayaa madaxdii ka socotay Midowga Afrika waxaay ku taliyeen in wadada la dhigo ciidamo dheeri ah, halkii laga xiri lahaa, balse Qaramada Midoobay ayaa dhinaceeda ku gacan seyrtey fikirkaas.

Madaxdii ka socotay dowladda Soomaaliya ee ka qeyb gashay kulankan ayaa dhinacooda waxaa ay ka taxadareen in ay si toos ah dhinac ula saftaan, balse waxay ku tilmaameen fikirka Midowga Afrika inuu yahay mid tixgelin mudan.

Madaxweynaha & Raysalwasaaraha Soomaaliya oo labadaba lagala hadlay arrimahan ayaa la sheegay in ay diideen in ay jawaab cad ka bixiyaan, gaar ahaana Madaxda UN-ka ayaa labo jeer la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya oo ay u soo qadimeen laakiin waxba jawaab cad ah kama uusan bixin.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Midowga Afrika ee magaalada Muqdisho Talaadadii la soo dhaafay ayaa ugu dambeyntii saraakiishii ka socotay Qaramada Midoobay waxay isaga baxeen shirka, taasoo muujinaysay in ay ka careysan yihiin diidmada ay Midowga Afrika la yimaadeen.

Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay la beegsanayaan xarumaha dowladda, hotelada, xarumaha hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa Midowga Afrika, iyadoo ay socoto haatan diyaargarowgii ugu dambeeyay ee doorashada madaxtinimada dalka Soomaaliya taasoo la qorsheeyay inay dhacdo 30-ka October 2016.

Muqdisho Septeembar 02, 2016 Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maamulka Soomaaliland ugu baaqday in ay si deg deg ah u kala dhexgalaan Beelaha walaalaha ah ee ku Dagaalamaya Deegaanada Gobolka Sanaag.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in Maamulka Soomaaliland ay Xukuumada Soomaaliya ugu baaqeyso in si deg deg ah ay ku dhexgalaan Beelaha Walaalaha ah ee ku Dagaalamaya Deegaanada Gobolka Sanaag, si looga hortago Dagaalada halkaasi ka dhacaya ee geysanaya khasaaraha badan.

Wuxuu sheegay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Dagaalada ka socda Deegaanada Sanaag in ay yihiin kuwo sii xoogeysanaya loona baahan yahay in lakala dhexgalo Beelaha Dagaalamaya.

Madaxda Maamulka Soomaaliland iyo Waxgaradka Gobolka ayuu ugu baaqay in Deganaansho lagu soo celiyo Gobolka Sanaag oo lakala qaado Beelaha Dagaalamaya, isagoo intaa ku daray in muhiim ay tahay in laga wada shaqeeyo nabada.

Shalay ayay aheyd markii Dagaal ay ku dhinteen 14 Qof halka 32 kalena ay ku dhaawacmeen uu ka dhacay Deegaanada Gobolka Sanaag, waxaana Dagaalkaas uu dhexmaray Beelaha Walaalaha ah ee halkaasi isku hor fadhiya.

Laascaanood Septeembar 02, 2016 Wararka ka imaanaya Laascaanood ayaa sheegaya in xalay lagu dillay magaladaas ganacsade iyadoo falkaas uu ka dhacay agagaarka Masjid Jaamac ee magaladaas .

Ganacasadahaas lagu magacaabo Maxamed Xersi Yuusuf ayaa la xusayaa in uu ahaa madaxii xisbaadkaan shirkadda Dahabshil ee gobolka Banadir kaasi oo booqasho ku joogay magaaladaas .

Sidaas oo ay tahay ma jirto illaa haatan warar rasmi ah oo sheegaya in ganacasadahaas uu ka tirsanaa maamulka shirkadda dahabshiil Dahabshil.

Warku waxa uu intaa ku darayaa in weerarkaas sidoo kale lagu dhaaawacay ganacsade kale oo lagu magacaabo Siciid Cabdi Faandhe kaasi oo uu dhaawaciisa culus yahay .

Puntland Septeembar 01, 2016 Maamulka Puntland ayaa goordhaw ku dhawaaqay in ay xireen xuduudaha ay la wadaagaan Koonfurta iyo Waqooyiga Soomaaliya. Afhayeenka maamulka Puntland oo goordhow la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulka Puntland ay xirteen xuduudahooda , islamarkaan aysan aqbali doonin Gawaarida kasoo gudubta Koonfurta Soomaaliya in ay soo gaaraan deegaanada maamulka Puntland.

Muqdisho Septeembar 01, 2016  Waxaa aad usii xumaanaya xiriirka ka dhaxeeya madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Sababta ugu weyn ayaa ah in Guuleed uu Xasan ku eedeeyay inuu isaga raali ka yahay xubnihii dheeraadka ahaa ee Puntland loogu daray, sidaa darteed ka Galmudug ahaan aanay taaasi aqbali doonin.

Guuleed wuxuu u sheegay Xasan Sheekh in aanu isna ku tashan inuu ka saacido in mar kale uu dib usoo Laabto, waxaana taasi ay keentay in Madaxweyne Xasan aad uga caroodo.

Madaxweynaha ayaa ugu doodiyey Guuleed in isna meesha laga saari doono laguna bedali doono Odowaa oo ay aad isugu dhowyihiin Xasan Sheekh Maxamuud.

Xaaladda Labad Mas’uul ayaa ah mid adag, xilli la wada ogsoonyahay in Xasan Sheekh iyo Guuleed ay ahaayeen kuwo mid ah oo aan la kala dhexgali karin.

Muqdisho Septeembar 01, 2016 Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxmauud ayaa haatan ku Jira ololihiisa ugu dambeeya si uu mar kale ugu soo noqdo Xilka Madaxweyynaha Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa qorshe cusub udegay Shirka la filayey inuu dhaco 7 September balse haatan wararka la helayo ay sheegayaan in Axad oo ku beegna 4 Sep.loo weeciyey lagana soo hormariyey Xilligii loo ballamay.

Madaxweynaha iyo Hogaamiyeyaasha Maamul Gobolleedyada ayaa la rajeenayaa inay isku raacaan Xajka oo Dalka Sacuudiga iskugu tagaan sidaa awgeedna shirka 7 Sep. laga soo hormariyey.

Isha ayaa lagu wada hayaa waxa kasoo bixi doona shirkaasi la qorsheeyey in 4 September ka furmo Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Soomaaliya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xasan Sheekh uu Casuumay Madaxda Maamul Gobolleedyada in Xajka uu isaga lacagta ka bixin doono.

Muqdisho Septeembar 01, 2016 Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid aj Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka kana soo jeeda Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa sheegay in Gobolka Hiiraan uu labo Gobol noqonayo haddiiba ay caasimad noqoto magaalada Buulo Barte ee Gobolka Hiiraan.

Daahir ayaa sheegay in Caasimadnimada Buulo Barte ay ka dhigantahay guul ay gaareen Shacabka Hiiraan islamarkaana ay noqoneyso riyo u rumowday sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu sheegay Gobolka Hiiraan uu dib u dhac kala kulmay dhamaan Dowladihii soo maray dalka sidaa darteedna ay hadda fursad u tahay in la isku daro Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe,taas oo uu sheegay in ay iska caddahay in Gobolka Hiiraan uu labo noqonayo.

Shirka Sabtiga ka furmaya magaalada Jowhar ayuu soo dhaweeyay Xildhibaan Daahir Jeesow,waxaana uu rajo ka muujiyay in maamu ay u mideysanyihiin Dadka labada Gobo lee Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe uu ka soo boxo.

Odayaasha,Siyaasiyiinta,Dhallinyarada iyo haweenka labada Gobol ayuu ugu baaqay in ay midoobaan kuna midoobaan Maamulka labada Gobol,markaas oo uu sheegay in dib u dhaca labada Gobol ka heysta dhanka Dowladda dhexe ay uga baxayaan marka ay sameystaan maamul Goboleed la mid ah kuwa ka jira dalka.

Boosaaso Septeembar 01, 2016 Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed Puntland Qarax lagu la eegtay deegaanka Bali Qadar oo ku yaala duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Qarax ayaa la sheegaya in ay ku dhinteen askar ka tirsan ciidanka Puntland , waxaana sidoo kale lagu soo waramaya in uu jiro dhaawac badan oo ka dhashay Qaraxa.

Goobjoogayaal ku sugan Deegaanka Bali Qadar ayaa warbaahinta u sheegay in Kolonyo ka tirsan ciidanka Puntland la la eegtay Miino lagu aasay wadada geeskeeda.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay .

SANAAG Septeembar 01, 2016 Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo shalay galin dambe maleeshiyaad hubeysan ku dhexmaray deegaanka Ceel Lafweyne ee gobolka Sanaag.

Waxgaradka deegaanka ayaa xaqiijiyay dhimashada ku dhawaad 4 qof oo ka mid ah maleeshiyo beeleedkii ku dagaalamay deegaanka.

Dhaawaca oo gaaraya 10 ruux ayaa la sheegaya in la gaarsiiyay isbitaalada gobolka Sanaag.

Maamulka Somaliland ayaa ugu baaqay beelaha ku dagaalamay gobolka Sanaag in ay dagaalka Joojiyaan , islamarkaan ay nabada qaataan.

Dagaal ayaa la sheegaya in uu yimid ka dib maleeshiyo beeleed hubeysan ay dhawaan deegaanka Ceel lafweyne ee gobolka Sanaag ay ku dileen dad xoolo dhaqato ah.

Gudoomiyaha gobolka Sanaag ayaa sheegay in ay ku baxeen goobta uu dagaalka ka dhacay si ay xaalada u dajiyaan .

Waxgaradka labada dhinac ee ay dirirto dhexmartay ayaa wada dadaalo lagu doonaayo in laga hortago dagaal marka kale ka dhaca gobolka Sanaag gaar ahaan deegaanka Ceel Lafweyne.

Xaalada deegaanada shalay lagu dagaalamay ayaa dagan sida ay warbaahinta u sheegeen qaar ka mid ah dad deegaanka.

Muqdisho Septeembar 01, 2016 Waxaa magaalada Muqdisho laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ay wadaan Siyaasiyiinta, Aqoonyahaanada ka tirsan Ururka la magacbaxay Aalla Sheekh ee liijaanka u hayay dowladii ka horeysay tan Xassan Sheekh.

Dhaqdhaqaaqyada Siyaasiyiinta Aalla Sheekh ayaa si xooli ah uga socda Hoteelada Makka Al-mukarama iyo Jazeera ee magaalada Muqdisho, waxaana la arkayaa Siyaasiyiin hore oo dalka dib ugu soo laabtay kuwaasi oo wada ololo.

Dhaqdhaqaaqa Siyaasiyiinta Aalla Sheekh ee ka socda magaalada Muqdisho, ayaa u qeybsama laba dhinac, Siyaasiyiinta qaar ayaa wada ololo lagu taageerayo Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Halka ololaha labaad ay wadaan Siyaasiyiin dooneysa inay kuraas ka helaan labada Aqal ee Baarlamaanka si ay ugu tashankaraan codadka ay halkaasi ka heli doonaan.

Siyaasiyiintaani wada dhaqdhaqaaqa ayaa waxaa kabaaya Culimo la sheegay inay ka tirsan yihiin Aalla Sheekh kuwaasi oo iyaga aan qeyb ka aheyn labada dhinac ee aan kor kusoo sheegnay balse doonaaya keliya in dalka mar kale ay ka taliso Aalla Sheekh.

Dhaqdhaqaaqyadaani cusub ee ka socda Hoteelada ayaa waxa uu dareen gaar ah galiyay dhinacyada kale ee qeybta ka ah Musharaxiinta, waxa uuna arrinku u muuqdaa mid leysu biirsanaayo sida meesha looga saari lahaa Musharaxiinta kale ee lidka ku ah fekirka Aalla Sheekh.

Ilaa hada ma cadda waxa uu kusoo biya shuban doono dhaqdhaqaaqa Aalla Sheekh, waxa ayna kulamadaasi noqonayaan kuwo kusoo beegmay haddalkii dhawaan Xassan Sheekh uu ku beeniyay mamnuucida shirarka ka socda Hoteelada Muqdisho.

WARARKA MAANTA Agoosto 30, 2016
Muqdisho Agoosto 30, 2016 Wararka inaga soo gaaraya agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow Qarax aad u culus lagu weeraray afaafka hore ee Madaxtooyada Soomaaliya, halkaasi oo Gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay lagu dhuftay.
Wararka ayaa sheegaya in Gaarigan oo noociisa weli aanan la ogaanin, balse aad u miineysnaa lagu dhuftay Koontaroolka Koowaad ee laga galo Madaxtooyada Somaliya, halkaasi oo ah meel wadada laamiga dhinaceeda saaran.
Qaraxa xoogiisa ayaa si weyn looga maqlay guud ahaan Degmooyinka Magaalada Muqdisho, waxaana uu geystay Khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac iyo sidoo kale bur bur ah.
Waxaa sidoo kale bur bur xoogan soo gaaray Hotelka Siyaad iyo Hotelka SYL oo ka agdhaw Madaxtooyada Soomaaliya, islamarkaana ah goobta Qaraxa uu ka dhacay.
Muqdisho Agoosto 30, 2016 Waxaa maanta shir jara,id isugu yimi dhamaan asxaabta siyaasada soomalia oo aad udhaliilay ugaas lagu soo daray 135 ugaas oo hore loo ansixiyey waxaana asxaabtan siyaasada oo aan ukala hadhin sixun u dhaliileen gudiga doorashooyinka soomalia oo kutub kumaray inay dhex dhexaad u yihiin musharaiixnta soomalia maxamuud axmed tarsan ayaa kawaramay ugaaskaas cusub oo uu warqadiisu saxeexay gudoomiyaha soomalia jawaari oo xasan shiikh dawada ka riixayo waxaana uu tarsan sheegay in alle ka baqaan gudigu oo aanay ugaas ka aqabalin warqadaas hadii akle wadankan aad u horseedi doontaan dhibato iyo isku dir ka dhex dhaca umada soomaliyeed waxaana sidoo akle sheegin inay beesha caalamka dacwad u gudbin doonan hadii ay warqadaas ay ogalaadan gudiga dhex dhexaadka doorashooyinka soomalia waxaana dhamaan asxaabta siyaasadu isku raaceen inay diidamaas kawadav siman yihiin xasan shiikh kadaa wadanka fooda iyo dhibta aad ladoonayso, https://www.youtube.com/watch?v=1jBnnMY3_LQ
Muqdisho Agoosto 30, 2016 Waxaa Magaalada laascaanood ee xarunta gobolka sool kadhacay banaan baxagaga soo horjeedo kumishinka soomaliland yadoona ay kumaan dad ah oo gashan calanka khaatumo iyo soomaliya ay sicad udiideen kumishinka yagoona sheegay in dadka reer laascaanood lagu amaray in ay si qasab ah ay kuqaataan diiwan galinta.

dadka reer laascaanood ayaa ah kuwo aan kka gaban runta waxay jaah wareer kurideen maamulka somalilan ee laaascaanood haysta yagoona ay umaara waayeen in ay banan baxyada ay joojiyaan

dadka reer laascaanood marnaba ma ogala kumishinka iyo weliba maamulka soomaliland hadaba daawada barnaamijka laga sooduubay banan baxa

Muqdisho Agoosto 30, 2016 braahim Aadan Ibraahim (Ibraahim Nadaaro) oo ka tirsanaa Saraakiisha sar sare ee Ururka Al Shabaab, ayaa waxaa uu isu soo dhiibay Dowladda Dhexe Somaliya.

Laamaha ammaanka, ayaa waxay Sarkaalkaasi ku soo bandhigeen Xarunta Godka Jilicow ee Degmada Boondheere, halkaasoo uu si rasmi ah uu kula hadlay bahda Saxaafadda.

Ibraahim Aadan Ibraahim, ayaa sheegay in muddo laba sano laga jooggo uu qaatay go’aankiisa la xiriira, sidii uu uga tanaasuli lahaa fekerka khalafsan ee Shabaab.

“Laga bilaabo caawa Waxaan cadaynayaa inaan isaga baxay Al Shabaab, go’aankaan waxaa qaatay labo sano ka hor.” Ayuu yiri Ibraahim Aadan Ibraahim.

Ibraahim Aadan, ayaa sidoo kale sheegay in go’aankan uu ku dhashay, markii uu arkay in Shabaabku ku been abuuranayaan Shareecada Islaamka.

“Waxaana igu dhaliyay markaan arkay sida looga been sheegayo diinta islaamka iyo dhaqan galinta shareecada islaamka, waliba aniga oo ka faa’iidaysanaya balanqaadkii madaxweynaha ee ku aadanaa in qofkii ka soo laabta Al-Shabaab la cafinayo.” Ayuu yiri Ibraahim Nadaaro.

Ibraahim Nadaaro oo deegaan ahaan ka soo jeeda Gobolada Baay & Bakool, ayaa waxaa uu Shabaabku uu ku biiray muddo sagaal sano laga jooggo, iyadoo uu ka tirsanaa Waaxda Garsoorka Al Shabaab.

1-1-768x431 2-1-768x403

Muqdisho Agoosto 30, 2016 Iyadoo shalay Degmada Xamar Jajab gaar ahaan Agagaarka Dekada Muqdisho ay ka dhacday Shaqaaqo taas oo ku aadaneyd Rasaas ay fureen Ilaalada Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa in ay ku dhaawacmeen Dad shacab ah iyo sidoo kale Askar ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa arintaasi ka hadlay Xildhibaan Dalxa.

Wuxuu sheegay Askartii geysatay falkaas ee ka tirsaneyd ilaaladiisa in uu ku wareejiyay sharciga si baaritaano loogu sameeyo, hadii ay dambi leeyihiin sharciga la marsiiyo hadii aysan laheyna la soo sii daayo.

Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in Mas’uuliyiinta qaar ee ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Warbaahinta Dowladda ay si qaldan u sheegeen warkaas, isagoo intaa ku daray in wax walba muhiim ay tahay in xaqiiqada laga sheego.

Mas’uuliyiinta Dowladda ayaa inta badan waxaa lagu eedeeyaa in aysan u turin shacabka gaar ahaan xilliyada ay marayaan wadooyinka oo mararka qaar ay Rasaas ku furaan Dadka shacabka ah.

Muqdisho Agoosto 30, 2016 Qarax ayaa laga maqlay agagaarka Hotelka SYL ee Magaalada Muqdisho,waxaana ka mid ah ah Dadka la xaqiijiyay ilaa hadda in ay ku dhaawacmeen Bashiir Max’ed Sabriye, oo ka mid ah howlwadeennada hoteelka SYL.

Qof ka mid ah maamulka Hoteelka ayaa u xaqiijiyay Mustaqbal Radio,in darbiga Hotelka qeybta xigta Madaxtooyada Soomaaliya ay baaba’day islamarkaana a=uusan hadda jirin darbi uu leeyahay Hotelka.

Gaadiidka Gurmadka deg degga ah ayaa ku howllan qaadidda dhaawacyada iyada oo aanay jirin Rasaas ka dhaceysa gudaha Hotelka,waxaana jiray kaliya Qaraxa ka dhacay darbiga Hotelka.

La soco wixii ku soo kordha wararkan,hadba sida aan u helno ayaan idin kugu soo gudbin doonnaa Insha’allah.

Jubbaland Agoosto 30, 2016 Maamulka Jubaland ayaa sheegay inay hakiyeen qaxootigii laga soo celinayay xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.

Arintan ayey u sababeeyeen kadib markii sida ay sheegeen looga baxay ballan horey looga qaaday oo aheyd in dadka la soo celinayo la siinayo adeegyada ay u baahan yihiin marka ay gudaha Soomaaliya ku soo noqdaan.

Maamulka ayaa sheegay inay xaqootiga ay haatan ku hakiyeen magaalada Dhoobley aysanna ogolaan doonin inay halkaa uga soo gudbaan Jubaland maadama aysan qaadi karin culeyska iyo tirada qaxootiga soo noqonaya.

Waxaanan la ogeyn hada suurtagalnimada hadii Jubaland lagu gacan siin doono marti galinta gaar ahaan in laga taagero dhinaca tashiilka marti galinta qaxootiga.

Muqdisho Agoosto 30, 2016 Warar naga soo gaaraya magaalada Muqdish ee caasumada Soomaaliya ayaa sheegaya in uu dumay dhisme labo Dabaq ka kooban, kaas oo ay ku xiligaas ku jiraan Dad Soomaaliyeed subaxnimadii hore ee saaka.

Ilaa hada dhimashada 3 qof ayaa la xaqiijiyey, iyadoo sidaas oo kale lasoo samatabixiyey in ka badan 4 qof oo kamid ahaa dadkii daganaa gurrigan.

Saraakiisha maamulka gobalka Banaadir waxay sheegeen in ay ku howlan yihiin sidii loo baadi goobi lahaa dad hor leh oo cabsi laga qabo in ay ku jiraan dhismahan burburay.

Dhismahan dumay ayaa ku yaala degmada Shangaani ee gobalka Banaadir, waxaana ilaa hadda baaris lagu hayaa sababaha u dumay dhismahan oo dhawaan dibu habeyn lagu sameeyey.

WARARKA MAANTA AGOOSTO 29, 2016

Muqdisho Agoosto 29, 2016 Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya  ayaa u yeeray Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Mudane, Bashiir Ciise Cali si wax looga weydiiyo sida ay ku dhacday in Bankiga Dhexe laga xado lacag gaareysa $ 530,000.

Xidlhibaan Maxamed Nuuraani Bakar  oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta  ayaa sheegay in aysan suurtagal aheyn in lacag cadadaas dhan in Bankiga laga xado.

Wuxuu sheegay in dhowaan Gudoomiyaha Bankiga Dhexe uu hor imaan doono Xildhibaanada Baarlamaanka si loola yeesho la xisaabtan dhab ah.

Siyaasiyiinta qaar ayaa horey u soo jeediyay in Dowladda Soomaaliya ay waajib ku tahay in ay xil ka qaadis ku sameyso Gudoomiyaha Bankiga Dhexe iyo dadka ka hoos shaqeeya.

Dhowaan ayay aheyd markii Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali uu shaaciyay in Bankiga Dhexe ay ka maqan tahay lacag dhan $ 530,000, taasina uu ku eedeeyay in uu la baxay Qasnajiga Bankiga.

Muqdisho Agoosto 29, 2016 Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay Munaasabad tababar loogu soo xirayey cutubyo katirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidanka Danab, waxaana Munaasabadaasi ka qeyb galay saraakiil katirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed oo uu ugu horeeyey taliyaha ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed, General Maxamed Aadan Axmed iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka Militeriga.

Ciidamadan oo uu tababar uga socday mudo dugsiga tababarka ciidamada ee General Dhaga-badan ee magaalada Muqdisho ayaa goobta kusoo bandhigay gaada kacayaar iyo xirfado kale oo muujinayey sida ay ugu diyaar garoobeen difaaca dalka.

Taliyaha-xooga-dalka1Taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed General, Maxamed Aadan Axmed oo halkaasi qudbad uu ka jeediyay kula hadlay ciidanka, waxa uuna sheegay in ciidankan oo kamid ah kuwa Danab ay u diyaarsan yihiin sidii cadowga ay uga difaaci lahaayeen dalka, isagoo ciidankana kula dar daarmay in si daacad ah ugu adeegaan dalkooda. https://www.youtube.com/watch?v=qyemfcgcrWo

Jubbaland State Agoosto 29, 2016 Iyadoo Qaxootigii ugu badnaa ay kasoo laabanayaan xeryaha Qaxootiga dalka Kenya ee Dhadhaab , islamarkaana ay soo gaarayaan gobolka Jubbada Hoose ayaa arimahaasi waxaa ka hadlay maamulka Jubbaland.

Gudoomiyaha gobolka Jubbada Hoose Cabdirashiid Cali Gooni ayaa sheegay in Qaxootiga kasoo laabtay xeryaha dalka Kenya ay dhibaatooyin kala duwan ku heystaan gobolka Jubbada Hoose.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Qaxootiga ay ku keenikaraan xaalad amni daro deegaanada maamulka Jubbaland .

Waxa uu sheegay in Qaxootiga ay heystaan dhibaatooyin kala duwan , islamarkaana dhalinyaradu aysan haysan waxbarasho iyo shaqo midna.

Waxa uu ku baaqay gudoomiyaha gobolka Jubbada Hoose in laga taageero sidii dhalinyarada kasoo laabatay Dhadhaab ay ku heli lahaayeen waxbarasho iyo sidoo kale daryeel .

Muqdisho Agoosto 29, 2016 Iyadoo shalay Ra’iiusul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke uu la kulmay Qaar ka mid Haweenka Soomaaliyeed ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii ay ku heli lhaayeen Haweenka Qoondada ay ku leeyihiin Dowladda cusub.

Wasiirka Haweenka Xukuumada Soomaaliya Marwo Sahra Maxamed Cali Samatar ayaa sheegtay in muhiim ay tahay Haweenka in ay helaan Qoondada ay ku leeyihiin Dowladda soo socota, si ay u soo bandhigaan waxqabadkooda.

Waxa ay sheegtay Go’aanka ugu dambeeya ee ku aadan Qoondada Haweenka in lagu go’aamin doono shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee Bisha September ka furmi doona magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey u sheegay in Haweenka Soomaaliyeed ay heli doonaan Qoondada ay ku leeyhiin Dowladda cusub, hadii mida ay dhici weydana ay heli doonaan meel u dhow Qoondadooda ah Boqolkiiba Soddon.

Muqdisho Agoosto 29, 2016 Ciidanka Sirdoonka Qaranka iyo Nabad Sugida Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho xalay ku qabtay Gaari Carib ah oo nuuca Qalinka ah kaas oo ay saarnaayeen Walxaha Qarxa.

Gaariga ay qabteen ciidanka NISA ayaa lagu qabtay afaafka hore ee iskuulka Xaawo-taako oo ku yaalla meel u dhow Afar Irdoodka Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir.

Ciidanka NISA ayaa Gaariga ka fur furay Waxyaabihii Qaraxa ka sameysnaa ee saarnaa sida uu sheegay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane.

Wuxuu sheegay in Gaarigan xogtiisa la hayay sidoo kalena ay ku daba jireen ciidanka NISA taasina ay keentay in Gaariga gacanta lagu dhigo.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Gaari Walxaha Qarxa ay saarnaayeen lagu weeraray Maqaaxida Banaadir Beach ee ku taalla Xeebta Liido, halkaas oo ay ku dhinteen 9 Ruux halka 3 Qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Muqdisho Agoosto 29, 2016 Wasiirka kaluumeysiga iyo Kheyraadka Bada ee Xukuunada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Caymooy oo ku sugan magaalada Jowhar ee Gobolka SHabeelaha Dhexe ayaa booqasho ku tagay meelaha uu saameeyay fatahaada Wabiga Shabeele iyo dhibaatada uu dadka u geystay.

Wuxuu sheegay Wasiirka kaluumeysiga iyo Kheyraadka Bada in dhibaato badan uu u geystay Wabiga Dalaga iyo sidoo kale Guryaha qaar ee ay leeyihiin shacabka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in kulanka ugu soo horeeya ee ay yeelanayaan Golaha Wasiirada Soomaaliya uu horgeyn doono si wax looga qabto dhibaatada uu geysanayo Wabiga Shabeele.

Wabiga Shabeele ayaa inta badan waxa uu fatahaad ka geystaa Deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana shacabka halkaasi ku dhaqan ay ku baaqeen in wax laga qabto fatahaada uu geysanayo Wabiga

Muqdisho Agoosto 29, 2016 Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Maxamed Aadan Axmed oo shalay Tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Danab ayaa sheegay in dhowaan ay bilaaban doonaan Howlgallo ka dhan ah Shabaab.

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ciidanka Danab ay u diyaarsan yihiin sidii Shabaab ay uga difaaci lahaayeen Dalka, isagoo ciidankana kula dar daarmay in si daacad ah ay ugu adeegaan Dalka.

Wuxuu sheegay in la joogo waqtigii Al-shabaab laga saari lahaa Dalka taasina ay hada bilaabi doonaan Ciidanka Xoogga Dalka Howlgalka Shabaab looga xoreynayo Dalka.

Taliyaha ayaa shacabka Soomaaliyeed kula dar daarmay in ay mar walba la shaqeeyaan Ciidanka Xoogga si looga guuleysto Al-shabaab.

WARARKA MAANTA AGOOSTO 28, 2016

Nairobi Agoosto 28, 2016 Shirka Wadamada Afrika iyo Japan ayaa Maanta lagu wadaa in lagu soo gabagabeeyay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Shirka ayaa waxaa loogu hadlay Maalgashiga Wadamada Afrika iyo sidii loo sii Xoojin lahaa Xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Wadamada Afrika iyo Japan.

Sidoo kale Shirka ayaa waxaa Maanta laga soo saarayaa War murtiyeed ay ku wada heshiiyeen wadamadii shirka ka qeyb galay iyo Japan.

Sidoo kale waxaa Maanta lagu wadaa in ay Magaalada Nairobi ay ku kulmaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’isal Wasaaraha Dalka Japan.

Muqdish

WARARKA MAANTA MAY 17, 2016

Muqdisho May 17, 2016 Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la dadajiyo dib u eegista Dastuurka ka hor inta uusan dhamaan waqtiga Baarlamaanka.

Gudoomiye Mahad Cabdalla Cawad ayaa sidoo kale sheegay in geli doono halis dastuuri ah hadii aan la dadajin dib u eegista Dastuurka Dalka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo dadajinta dib u eegista Dastuurka Dalka.

25 bishaan ayaa lagu balansan yahay in Magaalada Garoowe lagu qabto shir loogu hadlayo dhameystirka Dastuurka Dalka, waxaana sidoo kale Magaalada Muqdisho ka soconayo kulamo iyo shirar gaar gaar ah oo loogu hadlayo dib u eegista Dastuurka Dalka.

Beledweyne May 17, 2016 Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Magaalada Goor dhaw uu Dagaal ka Qarxay.

Dagaalka ayaa ka soconaya Xaafadda Howlwadaag ee Galbeedka Magaalada Baledweyne,waxaana sidoo kale laga maqlayaa Magaalada Rasaasta ay isku Adeegsanayan Labada Dhinac.

Sidoo kale waxaa Dagaalka uu saameyn ku yeeshay Dhadhaqaaqa Ganacsi ee Xaafadda Howlwadaag.

Illaa hadda lama Oga Khasaaraha ka dhashay Dagaalka ka socda Galbeedka Magaalada Baledweyne.

Muqdisho May 17, 2016 Guddiga Baarlamaanka u saaray dib u eegista iyo turxaan bixinta heshiiskii Madasha Wadatashiga qaran ee doorashooyinka sanakdna ayaa sheegay in wixii khaladaad ee ku jiray heshiisaas laga saaray.

Xildhibaan C/llaahi Jaamac oo ka mid ah guddiga ayaa sheegay in Guddiga uu wixii sixid u baahnaa uu saxay, wixii khaladna ahna saaray, si loo helo is bedel mustaqbalka siyaasada Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in maalmaha soo socda Baarlamaanka la hor-geynayo heshiiskaas, si wixii ay dib u eegista ku sameeyeen loo ansixiyo.

Kulamo xalay dhex maray Guddigan, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa la sheegay in la isku mari waayay, markii Madaxda dowladda ay ka dalbadeen Guddiga in aanay wax ka bedelin qodobada qaar, isla markaana sideeda lagu anisixiyo.

Heshiiskii Madasha wadatashiga Qaran ayaa waxyaabaha dhigayay waxaa ka mid ahaa in Aqalka sare ee Baarlamaanka laga soo kala xulo Somaliland, Puntland, Jubbaland, Koofur Galbeed, Galmudug iyo Maamulka dhismaya ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyadoo laga qadiyay Gobolka Banaadir.

Muqdisho May 17, 2016  Afhayeenka ciidanka AMISOM  cornell Joe Kibbet ayaa waxa uu sheegay in ciidankooda iyo kuwa xooga dalka Soomaaliyed kaliya ay shalay howlgal ka fuliyeen deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelada hoose .

Afhayeenku waxa uu sheegay in waxba kama jiraan ay tahay in weerarkaas ay ka qeeyb-qaadten ciidan Marekan ah sidaas oo shalay sargaal u hadlay al-Shabaab uu sheegay.

Waxa uu yiri afhayeenku “Maya, ma’aaysan jirin askar Mareekan ah oo ka qeeyb gashay howgalka. waxaa fuliyay  ciidanka Somaaliya iyo AMISOM ; ujeedkii laga lahaana waanu ka gaarnay.

Magaranayo halka laga soo xigtay in al-Shabaab Dhimasho ama Dhaawac lagu gaarsiiyay hoowgalkaas,markii hoowgalku uu biloowdayba al-Shabaab weey isga carareen goobta”sidaas waxaa jiri afhayenka AMISOM cornell Joe Kibbet .

Muqdisho May 17, 2016 Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay Muqdisho kula kulmay ku xigeenka Wakiilka QM ee Soomaaliya ahna isku duwaha dhanka beni aadanimada ayaa waxay si gaar ah ugu wada hadleen sida laga yeelayo go’aankii Dowlada Kenya ee xeritaanka xeryaha qaxootiga.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay aad ugu walaacsan yihiin go’aanka Dowlada Kenya iyo dhibaatada ka dhalan karta hadii la xero xeryaha qaxootiga ee Kenya.

Madaxweynaha ayaa masuulkii uu la kulmay waxa uu kala hadlay sida loo wajahayo go’aanka ay qaadatay Dowlada Kenya.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa Warbaahinta u sheegay in labada masuul ay isku raaceen in si wadajir ah loogu qeyb qaato ka hor taga go’aanka Dowlada Kenya iyo in Madaxda Kenya ay kala hadlaan arrintaan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Kenya lagala jhadli doono joojinta iyo ka laabashada go’aankeeda.

22 bishan May  ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa ka dhici doona shir looga hadli doono xaaladda dalka Soomaaliya, iyadoo sidoo kale waxyaabaha laga hadli doono ay kamid tahay xaaladda bani’aadanimada dalka Soomaaliya.

Baardheere May 17, 2016 Ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa maanta howlgallo xoogan ka sameeyay Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Howlgallada ayey Ciidamada ka sameeyeen Xaafadaha Magaaladaasi Baardheere iyagoo mararka qaar guryaha xoog ku galayay.

Col Maxamuud Guhaad Tima Jilac ayaa sheegay in howlgalka lagu baadi goobayay kooxo falal amni darro ka geysta Magaaladaasi.

Bariire May 17, 2016 Wararka ka imaanaya deegaanka Bariire ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in shacabkii ku dhaqanaa deegaankaasi ay billaabeen inay barakacaan.

Shacabka barakacaya ayaa ka baqaya in mar kale ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ay dib ugu dagaallamaan deegaankaasi.

Waxaa la arkayaa dad badan oo ku barakacaya gaari Dameeri halka qaarkood adka ay gacmahooda ku qaadanayaan alaabta.

Inta badan dadkani ayaa aadaya deegaannada kale ee ku dhaw deegaanka Bariire si ay uga nabad galaan dagaallo kale oo halkaasi ka dhacay.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan deegaanka Bariire ayaa sheegay in shalay iyaga oo ku sugan deegaankaasi lagu dul dagaallamay sidoo kale ay jireen duqeymo xagga cirka ah kaga imaanayey.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo shalay weerar ku qaaday deegaanka Bariire ee gobolka Shabellaha hoose waxay haysteen ku dhawaad 4 saacadood inkastoo ay dib uga soo laabteen, waanna midda ugu daran ee hadda shacabka baqdinta ku beertay.

Garoowe May 17, 2016 Wararka ka imaanaya Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa ku waramaya in Maanta Maxkamad la soo taagi doono Taliyaashii hore ee Booliska iyo Birmadka Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo kala ah C/rizaaq Afgaduud iyo Cismaan Afdalow .

Saraakiishaan ayaa dhawaan waxaa Xilka ka Xayuubiyay Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas,kadib markii lagu Eedeeyay in ay qeyb ka ahaayeen Iska hor imaad Dad ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen oo ka dhacay Magaalada Boosaaso.

Sidoo kale waxaa jira in Dacwo Oogeyaasha dambiyada ku soo Oogay Saraakiishaan kala ah C/rizaaq Afgaduud iyo Cismaan Afdalow ay doonayaan in deg deg Maxkamad loo saaro.

Muqdisho May 17, 2016 Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in maalmaha soo socda magaalada Muqdisho ay soo gaari doonaan Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada dalka.

Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada ayaa magaalada Muqdisho uga qeybgali doona shir furmi doona 19ka Bishan lagu jiro kaasi oo hordhac u noqon doona shir kale oo ka furmi doona magaalada Garoowe.

Shirka ka furmi doona magaalada Muqdisho ayaa intiisa badan lagu xalin doonaa arrimaha Dastuurka, waxaana ka qeybgali doona madaxda ugu sareysa dalka iyo maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkaani hordhaca u noqon doona kan madaxda dalka uga furmi doona magaalada Garoowe, ayaa waxaa lagu daweyn doonaa muranka dastuurka, inkastoo Dowlada iminka jirta lagu eedeynaayo faragalin qaawan inay ku heyso Dastuurka iyo qodobadii laga soo saaray shirka wadatashiga ee kusoo dhamaaday magaalada Muqdisho.

Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia ayaa walaac ka muujinaaya qaabka ay Xukuumada Somalia uga gabineyso dadaaladii laga filaayay inay ku dhaqan galiso hanaanka doorasho ee dalka.

Ma cadda go’aanada kasoo bixi doona shirarkaani dib loogu eegi doono dastuurka.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee Maamulka Somaland Mr. Cabdiraxmaan Ciro oo haatan booqasho ku jooga dalka Maraykanka ayaa fashilay inaysan waxba ka jirin maalinta May 18, ee la xuso beenta iyo is-maqiira go’ooni u goosadnimadda Maamulka Somaliland.

Nala dhegayst hee:

https://www.youtube.com/watch?v=99hkY9p90B8

Marka May 17, 2016 Wararka naga soo gaaraya Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha hoose, ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Dowlada ay dhulka hoostii ka soo saaren Hub ay Ciidamada ethiopia ugu talo galeen in qaab dadban ay usii yaan maleeshiyada Al-shabaab.

Hubkaani ayaa laga soo saaray deegaanka Jiidda Janaale oo hoostagta Magaalada Marka, waxaana lasoo warinayaa in ciidamada ethiopia ay hubkaasi u duugen Al-shabaab.

Hubka ayaa waxaa la tilmaamayaa inuu ka kooban yahay dhowr nooc, waxaana u badan qoryo iyo agab kale.

Saraakiisha ciidamada ethiopia ayaa ka qeybqaata hubeynta maleeshiyaadka Al-shabaab, iyaga oo goobaha ay qabsadaan dhulka ugu aasa Al-shabaab Hub si ay halkaasi ugala baxaan.

Qoryaha laga soo saaray dhulka ayaa tirro ahaan kor u dhaafaya ilaa 60 kuwaasi oo ah nooca ay ku caan baxeen ciidamada ethiopia.

Ciidamada AMISOM ayaa kaalin weyn ku qaata garabsiinta Al-shabaab si aan hakat u galin mashruuca ay ku joogan Somalia.

Hubis1 Hubis2

WARARKA MAANTA MAY 15, 2016

Muqdisho May 15, 2015 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Baarlamaanka Federaalka, ugu baaqay in iyadoo la eegayo waqtiga yar ee harsan loo baahan yahay in la fududeeyo meel marinta hannaanka doorashada sannadka 2016.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay kulan gaar ah oo uu la qaatay Guddiga Baarlamaanka Federaalka ugu qaabilsan hannaanka doorashada.

“Baarlamaanka waa aasaaska dowladnimadeena, sidaa darteed markii madaxda dowladda dhexe iyo madaxda maamulada ay isku soo raaceen hannaanka doorasho, waxaa lagama maarmaan noqotey sida sharcigu qabo, in idinkuna aad talo ka dhiibataan, ugu dambeyntiina aad ansixisaan si loo helo hannaan sharciyad dhammeystiran leh. Waxa aan mar walba adeegsaneynaa oo dowladnimadeena ay ku dhisan tahay nidaamka wadatashi iyo wax isla oggolka”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu Madaxweynaha sidoo kale xusay baahida loo qabo dhismaha dhaqan dowladeed hufan oo daboolaya rabitaanka shacabka, lana dhowro waqtiga jiritaanka goleyaasha qaran sida uu dastuurka dhigayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay ku guda jirto dhismaheeda hay’adaheeda dowliga, lagama maarmaanna ay tahay in laga wada shaqeeyo si loo helo caddaalad, nabad iyo horumar.

Kulankan gaarka ah ayaa waxaa sidoo kale ka hadley Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari.

Guddiga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee hannaanka doorashada ayaa loo xilsaaray inay ka soo talo bixiyaan hannaanka doorashada dalka, kadibna ay xubnaha kale ee Baarlamaanka la qeybsadaan. Waxaa dukumentiga heshiiska hannaanka doorashada loo gudbiyay Baarlamaanka bishii April 30-keeda.

Muqdisho May 15, 2015 Waxaa lagu wadaa in dhawaan uu dib u furmo shirka wada xaajoodka qabyada u ahaa Dowlada Somalia iyo Maamulka Somaliland.

Dowlada Somalia ayaa sheegtay in shirka uu dib u furmi doono maalmaha soo socda gudaheeda waxa ayna tilmaantay in furitaanka shirkaasi uu kusoo beegmi doono 31-ka bishan May ee aynu ku jirno.

Shirkaani oo ka dhici doona Dalka Turkiga ayaa waxaa qeyb ka ahaan doona wakiilo ka socda Beesha Caalamka oo dhex dhexaad ka noqon doona isu soo dhaweynta labada dhinac.

Maamulka Somaliland ayaa goor sii horeysay shaaca ka qaaday inay ka go’een Somali inteeda kale, waxaana go’aankaasi barbar socda go’aan kale oo ay DFS ku dooneyso inay ku burburiso hamiga ay Somaliland kaga go’eyso Somalia.

Somaliland ayaa sidoo kale sheegtay in aysan mar kale la midoobi doonin Soomaaliya, ayna yihiin dal madax-bannaan oo jaar la ah Somalia, iyadoo madaxda Somaliland ay sheegeen in Gooni-isku-taagooda uu yahay mid ku dhashay go’aan Shacab.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Sacad Cali Shire oo ka hadlay Wada-hadallada ay kula jiraan Somalia ayaa yiri. “Ujeeddada aan ka leennahay Wada-hadallada aan kula jirno Soomaaliya waa inaan gaarno xal siyaasadeed oo ah sidii laba waddan oo jaar ah.”

Ra’isul wasaare ku-xigeenka Somalia Carte ayaa sheegay in DFS aysan ka quusan doonin wada-hadalka ilaa laga qanciyo Somaliland go’aankeeda.

Carte waxa uu rajo ka muujiyay qabsoomida shirka la filaayo in mar kale uu dib u furmo Taariikhdu marka ay tahay 31-ka May, waxa uuna sheegay in guul laga gaari doono shirka.

Ma cadda natiijada kasoo bixi doonto shirka, inkastoo Somaliland ay u muuqato mid kasoo dabceyso ad adeegii hore.

Nairobi May 15, 2015 Jariidada The Standard ee kasoo baxda dalka Kenya ayaa saaka daabacday in Midowga Africa uu kordhiyay mandate-ka ay ku joogaan Soomaaliya ciidamada Afrikanka ee ku howlgalaya magaca AMISOM kuwaasi oo tiradoodi gaareyso 22,000-askari waxana ay dagaal kula jiraan Xarakada Al-shabab waxana wadanka ay sii joogi doonan ilaa 30-ka May 2017-ka.

Golaha nabad galyada iyo amaanka ayaa qaraarkaan gaaray kulankoodi 59-aad.

Midowga Africa ayaa sidoo kale waxa ay walaac ka muujiyeen lacagihii ay jarteen Midowga Yurub waxana uu Ururka tilmaamay in AMISOM ay marayaan marxalad aad u adag ayyana wanaagsaneyn in xiligaan lacagaha laga jarto.

Midowga Africa ayaa ugu baaqay Midowga Yurub dib u eegis ay ku sameeyan qaraarkooda ay 20% u jarteen mushaaradka AMISOM ka hor doorashada Soomaaliya.

Sidoo kale warka Midowga Africa waxaa lagu yiri wa in dib u eegis lagu sameeya in aan la gaarin doorashada dalka musharadka laga jartay AMISOM.

Muqdisho May 15, 2015 Ciidanka hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Somaaliyeed ee NISA ayaa qabtay gaari ay saarnaayeen  7 Laptop  iyo qofkii watay oo ciidanka ay xabsiga dhigeen.

Af-hayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa Warbaahinta  u sheegay in, sidoo kale, gaariga ay saarnaayen warqado uu sheegay in al-Shabaab ay ku diiwaaan galiyaan xubnaha ku biiraya.

Maamulka gobolka waxa uu sheegay in gaarigaas lagu qabtay gudaha degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir. Xogta gaarigaas ayuu sheegay inay ka heleen shacabka degmadaas.

Xalane ayaa hadalkiisa intaas ku daray in gaariga iyo qofkii watayba ay baaritaan ku hayaan — iyadoo la baarayo halkii gaariga bar-tilmaameedka u aheyd.

Muqdisho May 15, 2015 in goordhow qarax xoogan uu ka dhacay Masjidka lagu Magacaabo Sheikh Cabdi oo ku yaala Nawaaxiga Isgooyska Cali kamiin.

Qaraxa ayaa ahaa Gaari lagu soo xiray Walxaha Qaraxay kaas oo la dhigay Albaabka hore ee Masaajidka xiligaas oo Dadka ay ay tukanayeen Salaada Duhur.

Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in gaariga uu lahaa Nin dhaqtar ah oo caan ka ah Xaafada cali kamiin iyadoona la sheegay in xiligaa uu ku jiray gudaha Masaajidka.

Ciidamo ka tirsan Nabadsugida & Booliska  ayaa goobta gaaray waxaana ay wadaan baaritaan xoogan iyagoona xiray dhamaan wadooyinka soo gala Masaajidka.

Muqdisho May 15, 2015Kooxo Hubeysan waxa ay Gudaha degmada Waabari ee Gobolka Banaadir ku dileen Sarkaal la sheegay in uu  ka Tirsanaa Ciidanka Badda Soomaliya.

Rag Hubeysan ayaa la sheegay in ay dhowr Xabadood ku dhufteen sarkaalkaan Iyagoo markii dambe goobta ka baxsaday.

Sarakaalka la dilay oo darajadiisa ciidan ay aheyd Laba xidigle sida aynu wararka ku halayno waxaa dilka mas’uuliyadiisa sheegtay Kooxda  Al-shabaab.

Sarkaalka la dilay ayaa Magaciisa lagu sheegay Cali Cabdullaahi, Wuxuu kamid ahaa Ciidanka Badda Soomaliya.

Puntland May 15, 2015  Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xilalkii ka qaaday taliyayaasha ciidamada Booliiska iyo kuwa Birmadka ee maamulka Puntland.

C/laahi Maxamed Jaamac Quraan Jecel oo ah afhayeenka Puntland ayaa saxaafadda u akhriyey wareegtada xilka looga qaaday Taliyeyaashan.

Taliyahii ciidanka Booliiska Puntland Sarreeyo Guuto C/risaaq Maxamuud Yuusuf (Af-gaduud) iyo taliyaha ciidanka Birmadka Puntland Gaashaanle Sare Cismaan Xasan Cuuke (Af-dalow) ayaa xilalka laga qaaday kadib markii la sheegay in ay wada shaqeyn waayeen islamarkaana dagaal gacan ka hadal ah oo dhexmarayna uu sababay inay dagaallamaan ciidamo iyaga kala taabacsan halkaasi oo khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta ay ka dhalatay.

Madaxweyne Gaas ayaa xilka Taliyaha Booliiska Puntland waxa uu si KMG ah ugu magacaabay C/risaaq Shire Faarax Ereg.

5-tii bishan waxaa magaalada Boosaaso ku dagaallamay ciidamo kala taabacsan taliyayaasha xilkaan laga qaaday waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta, waxaana dhaawacmay wasiirka Amniga Puntland.

Muqdisho May 15, 2015 Madaxweyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam uu ku dhawaaqay labada Madaxweyne ku xigeen ee dowladiisa, waxaa loo kala magacaabay Maxamuud Sayid Aadan oo loo magacaabay madaxweyne ku xigeenka koowaad iyo Cabduqaadir Xaaji Oo loo Magacaabay madaxweyne ku xigenka Labaad,

Munaasabad ka dhacday xarunta madaxtooyada Jubbaland ayaa looga dhawaaqay xilalkan halkaasoo uu ku sugnaa madaxweynaha Jubbaland iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Afhayeenka Jubbaland Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay magacaabiista labada madaxweyne ku xigeen.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa horrey u soo noqday xildhibaan iyo wasiir dawladihii ku-meelgaarka ee dalka soo maray,sidoo kale wuxuu soo noqday madaxweyne ku xigeenka maamulka Koonfur Galbeed ee lixda gobal ee looga dhawaaqay Baydhabo balse markii dambe Lagu kala tagay,

Maxamuud Sayid Aadan ayaa intaas kaddib wuxuu yimid magaalada Kismaayo isaga iyo siyaasiyiin kale oo horrey uga soo horjeestay Jubbaland balse markii dambe ay heshiis la galeen dowladda Jubbaland.

Dhinaca Kale waxaa Madaxweyne Ku Xigenka Labaad ee Maamulka Jubbaland Loo Magacaabay Cabduqaadir Xaaji Maxamud Yusuf, Oo Mudooyinkii U Danbeeyay Ku Sugnaa Magaaladda Kismaayo.

Jubbaland Vice-President's photo.

Muqdisho May 15, 2015 Maanta waxaan dib u xusuusaneynaa doorkii waddaninimo iyo geesinimadii ay muujiyeen dhalinyaradii SYL oo halgan dheer u galay sidii waddankan iyo shacabkiisa looga xorreyn lahaa gumeysiga. Waxaa maalintan ay ina xusuusineysaa in loo baahan yahay in midnimada laga shaqeeyo si aan uga dhabeyno riyadii geesiyaashii SYL. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed iyo keygaba waxaan shacabka ugu baaqayaa in laga wada shaqeeyo nabadeynta, dib u dhiska iyo wadajirka Soomaaliya’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaabaddan awgeed ubax xusuus ah dhigay taallada SYL ee magaalada Muqdisho.

Waxaa munaasabaddan madaxweynaha kala qeybgaley xubno ka tirsan labada gole iyo maamulka gobolka Banaadir.

unnamed unnamed1 unnamed2 unnamed3 unnamed4 unnamed5

WARARKA MAANTA MAY 14, 2016

Muqdisho May 14, 2016 Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha hadana ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya C/samad Macalin Maxamuud ayaa ka hadlay Guddi Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu u Magacaabay Eed loo jeediyay Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya.

Xildhibaan C/samad ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake uu ku qaldanaa inuu guddi u saaro Aada loo jeediyay Hay’adda NISA.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Hay’adda NISA asaga ayey hoostagtaa Hay’addu waxaa ay leedahay Wasiir,Wasiir Kuxigeen iyo Taliye marka waxaa ay aheyd inuu u yeero oo weydiiyo waxa ka jira Eeda ee ma ahayn inuu Guddi u saaro Eeda loo jeediyay Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya”ayuu yiri Xildhibaan C/samad.

Ra’iisul Wasaare Sharmaake ayaa markii ay soo baxday Eeda NISA waxaa uu magacaabay Guddi u badan Wasiiro oo Xaqiiqo raadin ah.

Muqdisho May 14, 2016Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa is weydiiya shaqadaha Jeneraalka Ethiopian-ka ah ee Gabre Heard uu ka qabto dalka Soomaaliya maadaama uu kasoo muuqday goobo badan oo Soomaali lagu dhex dhexaadinayo, balse arrintaasi waxaa ka jawaabay IGAD.

Maxamed Cabdi Afeey wakiilka IGAD ee Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay waxyaabaha keenay in Jeneraal Gabre ku sugnaado Soomaaliya uuna kamid noqdo dadka dhex dhexaadiyo dadka Soomaaliyeed ee marar badan is qabtay.

Afeey, wuxuu sheegay in Jeneraal Gabre uu yahay xubin ka tirsan xafiiska IGAD ee Soomaaliya uuna ka qeyb qaato fududeynta howlha xafiiska IGAD ee Soomaaliya, sida uu sheegay Afeey.

Sidoo kale wuxuu sheegay iney doonayaan haddii IGAD ay yihiin dowlad Soomaaliyeed oo ka hana qaada dalka Soomaaliya , sida uu hadalka u dhigay. https://www.youtube.com/watch?v=-n6lioSk-io

Buulabarde May 14, 2016 Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgal ka sameeyay deegaan qiyaastii dhinaca Bari kaga beegan magaalada Buulaburde ee gobolka Hiiraan.

Waxaana Saraakiisha dowladda ay sheegeen  halkaasi ay ku dileen illaa 6 ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Axmed Maxamed Muuse oo hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay in lagu dilay howlgalka sarkaal lagu magacaabo Jiiroow Cismaan Cali.

Sidoo Kale Axmed Maxamed ayaa sheegay in ciidamada howlgalka fuliyay uu mid ka mid ah ka geeriyooday halka laba kalana ay ka dhaawacmeen.

Ciidamada dowladda ayaa waxa ay howlgallo ka dhan ah Al-shabaab waxa ay ka wadaan gobolada dalka.

Baydhabo May 14, 2016 Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ay toogasho ku dileen sarkaal dhinaca Amniyaadka u qaabilsanaa Al Shabab.

Sarkaalkan ayaa lagu dilay degmada Diinsoor ee gobolka Baay sida ay daabacday wakaalada SONNA oo aan sheegin magaca Sarkaalkasi.

Ciidamada dowlada,AMISOM iyo Mareykanka ayaa weeraro iyo duqeymo joogta ah ka wada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya iyaga oo beegsanaya Xarumaha iyo dagaalamayaasha Al Shabab.

Baydhabo May 14, 2016 Wararka aan ka heleyno magaalada Beydhabo ee xarrunta gobolka Baay ayaa shegaya in uu socto is rasaaseen u dhaxeysa ciidamo ka wada tirsan maamulka Koonfur-galbeed ee somaaliya.

Dagaalka ayaa biloowday kadib markii ciidamo ka tirsan Daraawiishta Koonfur-galbed oo mushaar la’aan ka careysanaa ay gadood ka sameyen gudaha Beydhabo waxaana ciidankaas ay xereen qaar ka mid ah wadooyinka magaaladda balsa ciidankale oo isla koonfur galbed ka tirsan ayeey is qabteen sidaasna waxaa ku biloowday Rasaas oo ilaa iyo hadda socoto .

Wararka qaar ayaa sheega in ciidanka gadoodsan ay dhac u geysten goobo ganacsi oo magaalada ku yaala balsa wararkaas maamulku wuu beeniyay.

Taliye ku xikeenka booliska gaarka ah ee maamulka Koonfur-galbeed Maxamed Isxaaq Xasan ayaa u shegay Warbaahinta n aysan jirin ciidan gadood sameeyay wararkaasna ay been abuur yihiin.

Shabelle Dhexe May 14, 2016  Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midawga Afrika Ee AMISOM ayaa Saaka la wareegay Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Ciidamada Huwanta aha ayaa la sheegay in ay Magaalada Dagaal la’aan kula Wareegeen sida ay sheegayaan Wararka aan ka helnay Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe.

Goobjoogeyaa ku sugan Degmada Aadan yabaal ayaa sheegay in Ciidamada ay si buuxda u la wareegeen Degmada,iyadoo Dadkii Shacabka ahaa ay halkaa ka Barakaceen,kuwas oo ka cabsi qaba in lagu dul dagaalamo.

WARARKA MAANTA MAY 13, 2016

Su’aal Maanta: Mudane Madaxweyne Xasssan, ma ka been-sheegi kartid tariikhda aabaha oo ahaan jiray Shiikh Miskiin ka tuugsada Suuqa Xamar-Weyne? Mar ogoow beenta hore, tii shalay iyo mida maanta intaba inay cajaladdo ku duuban tahay marka ma ka hadli kartaa Xabashida Soomaaliya siday rabto u qasayso taasoo xoog ku haysta Shacabka Itoobiya? Waa run inay Saraakiil Xabashi ah ay xirtay Guddoomiyaha Degmadda Garbahaareey sidoo kalena ay xoog ku galeen magaaladda Cadaado Hoteeladeeda meeshaasoo oo ay kala baxeen dad ka soo xorjeeda siyaasadda khalafsan ee Jabhadda TPLF ee xoogga ku hayta Ummadda Itoobiya tan iyo 1991 ilaa iyo hadda.

Muqdisho May 13, 2016 Iska horimaadkan oo ahaa mid Culus islamarkaana u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kooxo hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in Xalay uu ka dhacay Isgooyska Tarbuunka ee Magaalada Muqdisho.

Iska horimaadkan ayaa yimid kadib markii dabley hubeysan ay Weerar gaadmo ah ku qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada Soomaaliya oo fariisin ku leh Nawaaxiga Isgooyska Tarbuunka.

Wararka ayaa sheegaya in uu jiro khasaaro kala duwan oo soo kala gaaray Dableydii Hubeysneyd iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Xiriiro kala duwan aanu la sameenay Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa inoo suuro gelin in aan qadka taleefonka ku haleelno, si aan wax badan uga weydiino khasaaraha ka dhashay iska horimaadkaasi.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha dhabta ee ka dhashay iska horimaadkan u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Kooxihii hubeysanaa.

Shabeele Hoose May 13, 2016 Shalay Degaanka Sabiib ee Gobolka Shabellaha Hoose waxaa ka dhacay Dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowladda oo garab ka helaya Dalalka Saaxiibada ee Taageera Dowladda Federaalka iyo Al-shabaab.

Dagaalkaas waxaa ka qeyb qaatay Ciidamo Mareykan ah oo Cir iyo dhul intaba ka dagaalamayay.

War Shalay ka soo baxay Dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Ciidanka Mareykanka ah ay halkaa Dagaalka ku galeen ka dib markii Ciidamada AMISOM gaar ahaan Faraca Uganda ay Al-shabaab Dagaal wada galeen kadibna ay Mareykanka ka Codsadeen in ay garab siiyaan sidaana Mareykanku uu dagaalka ku galay.

Sidoo kale Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in dagaalka ka dhacay Duleedka Degmada Afgooye ay ku dileen Rag ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

War kale oo ka soo baxay Dowladda Mareykanka ayaa maanta lagu sheegay in Degaanka Sabiib Mareykanka uu ku burburiyay xarun Al-shabaab ay ku qaadi jireen Canshuuraha islamarkaana halkaa laga eryay Shabaabkii ku sugnaa sida lagu sheegay Warka Mareykanka ka soo baxay.

Degaanka Sabiib oo Shalay uu ka dhacay Dagaal Culus ayaa waxaa soo baneeyay Ciidamadii Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee Shalay qabsaday.

Muqdisho May 13, 2016 Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa safiir u magacaabay wasiirkii hore Boostadda iyo Isgaariinta Guleed Xuseen Qaasim oo dhowaan xilka laga qaaday markii uu sidaasi dalbaday Madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe.

Kulanka Golaha wasiirada ee shalay ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay hor geysay qorshe safiir looga dhigay wasiirka hore, taasoo ay taageereen isla markaan ay ansixiyeen xubnaha Golaga Wasiirada uu guddoomiyay Ra’iisal wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte.

Golaha wasiirada ayay caado u noqotay inay ansixiyaan shaqsi safiir loo magacaabayo iyadoo aan la sheegin dalka uu safiirka ka noqonayo, waxaana arrintaas dib ka qora madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.

Go’aanadii shirka golaha wasiirada ee shalay ayaa lagu yiri”Ugu dambeyntii, Golaha Wasiirada ayaa cod u qaaday in Wasiirkii hore ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Guuleed Xuseen Qaasim loo magacaabo Safiir, waxaana cod caqlabiyad ku ogolaaday Golaha”

Hargaysa May 13, 2016 Munaasabada Caleemasaarka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.

Booqasho kadib ayaa waxaa soo baxeysa in Madaxweyne Siilaanyo lagu soo dhaweeyay Fadhi aan munaasab aheyn, islamarkaana Wakiilada maamulka Somaliland ay isku Khilaafeen Habmaamuuska Axmed Siilaanyo.

Wakiilada qaar ayaa sheegay in Siilaanyo uu hoos u dhigay Cisiga iyo sharafta maamulka, halka qaarna ay sheegen inuu kor u qaaday maqaamka maamulka.

Habmaamuuska Siilaanyo ayaa waxaa sidoo kale dhaliilay Wasiiro hore iyo Siyaasiyiin kuwaasi oo sheegay in Somaliland uusan soo marin Madaxweyne lamid ah Siilaanyo oo ku tuntay Sharafka maamulka.

Cabdillaahi Jaamac Cismaan ”Geeljire” oo muddo laba jeer xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, ayaa sheegay in Dowlada Jabuuti ay bahdishay Madaxweyne Siilaanyo, taasina ay mudan tahay in wax laga weydiiyo Jabuuti.

Geeljire waxa uu sheegay in Dowlada Jabuuti uu ku dhaliilayo qaabka ay u qaabishay Madaxweyne Siilaanyo, markii uu ka qayb galay xafladii caleemosaarka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.

Geeljire, oo iminka ka tirsan guddiga aqoonsi raadiska maamulka Somaliland, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay habmaamuuskaas lagu qaabilay Madaxweyne Siilaanyo oo uu ku tilmaamay mid ay aad uga xumaadeen shacabka Somaliland.

“Waxay ahayd hadaynu marti u ahayn inuu ina siiyo maqaamka soo dhawayneed ee uu siiyay madaxda kale, may ahayn inuu meel isku dhex jir ah oo shicib iyo dad kaleba fadhiyaan uu Madaxweynaheena fadhiisiyo.”

Cabdillaahi Geeljire, wuxuu intaas raaciyay oo uu shacabka reer Somaliland dareensiiyay in mararka qaar ay waxan oo kale dhacaan balse ay ku baranayaan Khibrado, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, waxaa habmaamuuskaasi dhaliil ka keenay Mudanayaal kale oo ka tirsan Wakiilada maamulka Somaliland oo Madaxweynaha Dowlada Jabuuti ugu baaqay in raali galin uu ka bixiyo.

Haddalka iyo Khilaafka ka taagan Habmaamuuska ayaa waxa uu kusoo beegmayaa iyadoo mudooyinkaani wanaagsaneyn xiriirka Siyaasadeed ee ka dhexeeya Jabuuti iyo Somaliland.

Beledweyne May 13, 2016 Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo la hadlay warbaahinta ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid alle u ha u naxariisteen Ugaas Ciise Ugaas C/dulle oo ka mid ahaa Ugaasyada siweyn oo qadariyo ee Soomaaliyeed.

”Waxaan leenahay waa geeri naxdin leh, waxaa u tacsiyeeynayaa qoyskii  iyo eheladii uu ka baxay Ugaas, si fiican ayaan u garanayay Ugaas Ciise waxaa uu ahaa shaqsi samaha jecel, rabbi naxariistii janno haka wareebiyo” ayuu yiri Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.

Waxaa tacsi taa la mid ah u dirraya qoyskii iyo eheladii  uu ka baxay Ugaaska, dhamaan Ugaasyada gobolka Hiiraan oo ay ka mid yihiin, Ugaas Cismaan Ugaas Cilmi, Ugaas Cali Ugaas Xassan Ugaas Raage, iyo Ugaas Cali Ugaas Muxumed Ugaas Shafeec oo dhamaan ku sugan magaalada Beledweyne.

”Ugaas Ciise waxaan ku sifeyn karnaa in uu ahaa Ugaas nabada jecel, mar walbana ka shaqeeya dib-u-hishiisiinta, ayeey isku raaceen dhamaan Ugaasyada ka tacsiyeeyay geeridiisa.

Ugu danbeyntii, geerida Ugaaska ayaa waxaa ka ka tacsiyeeyay madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya iyo inta badan duubabka dhaqanka Soomaaliyeed.

Washington May 13, 2016 Mar uu hadlayay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Dalka Maraykanka John Kerry ayaa sheegay inuu si weyn uga walaacsan yahay go’aanka dawladda Kenya ay ku qaadatay inay ku xidho xeryaha qaxootiga Kenya ayna ku kala dirtay hay’addii qaxootiga, isla markaana ay sida degdegga ah dib ugu celinayso boqollaal kun oo qof oo dalkeeda gabbaad ka dhiganaya.

Waxa uu sheegay inuu ugu baaqay dawladda Kenya inay sii waddo doorkeedii dheeraa ee hoggaamineed ee ay gabbaadka ku siinaysay qaxootiga dhibku kasoo gaadhay gacan ka hadalka, sida ay farayaan qawaaniinta caalamiga ah.

Waxaan ugu baaqaynaa dawladda Kenya ayuu yidhi inay ilaaliso shuruucda caalamiga ah oo aysan dadka qaxootiga ah qasab ku celinin.

War saxaafeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa John Kerry uu ku sheegay inay ka mahadcelinayaan martigelinta dawladda Kenya ee qaxootiga, waxaana uu sheegay in dawladdiisu ay ka caawisay Kenya wadaagista mas’uuliyadda oo ay qayb ka qaadatay kaalmada bani’aaminnimo iyo in dib u dejin loo sameeyye qaxooti badan.

John Kerry waxa uu ugu baaqay Kenya inay sii waddo la shaqaynta UNHCR sidii loo celin lahaa dadka iskood u laabanaya, iyo inay ixtiraamto heshiiskii saddex geesoodka ah ee sanandkii 2013-ka ay wada gaadheen dawladaha Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR oo dhiirigelinay inay dadku si iskood ah u laabtaan.

Khaatumo State May 13, 2016 Digreeto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha dawlada Khaatumo mudane Cali Khaliif Galaydh ayaa lagu magacaabay Col: Mahad Cali Qalaad {Xoosh}, kaasoo si rasmi ah madaxweynuhu ugu igmaday Abaanduulka guud ee ciidamada qaranka e Khaatumo , kuwaasoo hada dhawr goobood kala fadhiya.

Col. Mahad Cali Qalaad ayaa sidoo kale ah halyey in badan ka soo shaqeeyey difaaca deeganada Khaatumo , wuxuuna door weyn ku lahaa sidii maleeshiyaadka SNM looga saaray gobolka Cayn, wuxuuna hada la wareegaya qaybaha kala duduwan ee ciidanka oo uu tababar u soo afmeeri doono.

Masuulkan ayaa ah masuul leh khibrad dagaal waxaana la filaya in uu guulo ka soo hooyn doono dagaalka lagu baabinaayo maleeshiyaadka snm

Puntland State May 13, 2016 Maamulka Puntland ayaa soo dhowayn Balaadhan magaalada Boosaaso ugu sameeyay Wafdi ka socda maamulka Bakool-sare oo ka shaqeeya Degmooyinka AATO, YEED IYO CEEL-BADRE , Waxaana  dhowaan looga dhinac  dhowaaqay Maamulka uu hogaamiyo  Shariif Xasan ee Koonfur Galbeed. Wasiirka dastuurka Puntland Cali Ciise Oog ayaa sheegay in Puntland u taageerayso maamulka Bakool sare, Markii dastuurka wax laga badalay, wuxuuna sheegay in qolo kasta meesha ay dagan tahay Nadaamsato.

Madaxwaynaha maamulka Bakool-sare Axmed Sheekh Maxamed ayaa ka warbixiyey Safarka ay joogaan Puntland, Wuxuuna ka mahad celiyey sida loogu soo dhoweeyay, Isagoo sheegay inay madaxwaynaha puntland ka socdeen inay la wadaagaan Arinta Bakool-sare oo ku timid Kacdoon dadwayne. https://www.youtube.com/watch?time_continue=10&v=L6i2waFt3qI

Garbahaareey May 13, 2016 Guddoomiyaha Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo, Nuur Sheekh Maxamed Buraale oo la hadlay Idacadda Shabelle ayaa sheegay in saacado maxbuus uu u ahaa Saraakiil ka tirsan kuwa Itoobiya oo ku sugan Magaalada Garbahaareey.

Isagoo hadalkisa sii wata ayaa waxuu qeexay in Ciidamada Itoobiya ay ka qabteen Buur dhabarka dambe uga taal saldhig ay Ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin Magaalada Garbahareey islamarkaana xoriyada laga qaaday, sida uu hadalka u dhigy.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo, Nuur Sheekh Maxamed Buraale ayaa hoosta ka xariiqay Ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan Mgaaladaasi in ay aaminsan yihiin awoododa isla markaana xad gudub ay kula kacaan Mas’uuliyiinta iyo Shacabka ku dhaqan Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo.

Ciidamada Itoobiya ee qeybta ah howlgalka AMISOM ayaa inta badan waxaa lagu eedeeyaa in tacadiyo ka dhan ah bini’aadanimada ay u geestaan Shacabka ku nool Degaanada iyo Degmooyinka ay kaga yihiin qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.

Kampala May 13, 2016 Madaxweyne,Yoweri Museveni, ayaa maanta xaflad ka dhacday caasimadda Kampala mar kale loo caleema saarau xilka madaxweynaha kadib markii bishii April uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimada.

Munaasabadda dhaarinta oo ka dhacday duleedka Magaalada Kampala, ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxda gobolka iyo kuwa caalamka qaarkood, waxayna bogaadiyeen la wareegitaankiisa xafiiska shaqada, markii 5-aad.

Madaxweynaha oo dhaarinta ka dib khudbad u jeediyay shacabka reer Uganda, ayaa waxaa uu kaga mahadceliyay kalsoonidooda ay ugu ogolaadeen in markii shanaad uu hogaanka u qabto dalkaasi.

Madaxda caalamka ee ka qeybgashay xafladda caleema saarka Musevani ayaa waxaa ka mid ahaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir, madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, madaxweynaha Tanzania John Magufuli, madaxweynaha Koonfurta Sudan, Salva Kiir, madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma iyo Madaxweynaha Niger Maxamed Mahamadou Issa Yofouf.

Madaxweynaha, ayaa ballanqaaday in si hufan uu ku hogaamin doono Uganda, mudada uu xafiiska shaqada jooggo, isla-markaana uu u cadaalad fali doono dadkiisa.

Muqdisho May 13, 2016 Kulan qorshuhu ahaa in Beesha Murusade ay uga hadasho arrimaha Degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri oo beeshaasi ay degto ayaa isku badalay kulan looga soo horjeedo Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Ceynte iyo Xildhibaanada Beesha Murusade oo ay ugu horeeyaan Xildhibaan Dhegdheer, Xildhibaan Cabdiwali Qanyare, Xildhibaan Xasan Macalin, Xildhibaan Dhuxuloow kuwaasi oo kulanka markii hore lagu casuumay aqbalayna, kadibna isku dayey in ay fashiliyaan kulanka, waxayna ku hishiiyeen in ay dhamaantood kulanka ka baaqdaan si ay wadada uga weeciyaan kulankaas in uu qabsoomo.

Kulan waxaa yimid taliyaha Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, Gen. Cabdullahi Gaafoow Maxamuud, gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Cali Gacal Casir, wasiirada iyo xildhibaanada Galmudug beesha Murusade ku metela intooda badan, Gudoomiyaha Odayaasha dhaqanka Hawiye, Nabadoon Maxamed Xassan Xaad, ganacsade Cabdi Cali Faarax, kusimaha Safiirka Soomaaliya ee dalka Maleesiya, Jibriil Maxamed Sheekh Cusmaan, wasiirro hore, haween Dhalinyaro, qurbo joog iyo masuuliyiin kale, waxayna is weydiiyeen sababta xildhibaanada iyo wasiirka la casuumay ay u baaqdeen cudurdaar la’aan.

Taliyaha Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, Gen. Cabdullahi Gaafoow oo kulanka qabanqaabinayey ayaa eedeyn dusha ka saaray xildhibaanada iyo wasiirka Beesha Murusade isagoo ka soo qeybgalayaashii kulanka yimid dhageysiiyay codad sir ah oo uu ka duubay xili uu balanta kulanka u sheegayey wasiir ceynte iyo xildhibaanada kale ee Murusade ugu jira dowladda dhexe.

Kulanka ayaan looga hadlin Ajandihii qorsheysnaa ee ahaa arrimaha degmooyinka Galhareeri iyo Ceelbuur waxaana loo weeciyay dooda ah sababta ay u baaqdeen xildhibaanada iyo wasiirku iyadoo ay horayna u jirtay eedo kale oo laga tabanayey.

Gudmooiye Cali Gacal Casir ayaa ku baaqay in raga xisbiyada ku jira in aysan kala qeybin beesha oo ay ku midoobaan sidii deeganada beeshaas loo horumarin lahaa.

Kulanka ayaa masuuliyiintii ka soo qeybgalay badankood waxay waxay sheegeen in wasiirka iyo xildhibaanadu ay diidan yihiin in Ceelbuur iyo Galhareeri la xureeyo, iyagoo taas sabab uga dhigay in deegaanadaasi ay noqonayaan meel lagala xisaabtamo xildhibaanada iyo wasiirka hadii la xureeyo, loogana baahan doono in ay adeegyo horumarineed ka fuliyaan, taasi ayaa la shaaciyay in ay kamid tahay waxyaabaha ay kaga caga jiidayaan in ay ka qeyb noqdaan wax u qabashada deegaanada beeshaas degto.

Mid kamid ah Siyaasiyiinta kulankaas ka qeybgalay ayaa Mareegaha Buulomareer.com u sheegay in Xildhibaanada Murusade iyo wasiirka ceynte ay qorsheynayaan in ay xilka ay hayaan cadaadis ku saaraan shaqsiyaad dowladda ku jiro oo u soo jeestay in ay sameeyaan tilaabooyin horumarineed oo aysan jecleysan xildhibaanadu, waxaana kamid ah shaqsiyaadka hada cadaadiskaas la saaray General Gaafoow oo ah taliyaha waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha ee dowladda soomaaliya.

WARARKA MAANTA MAY 12, 2016
Guddoomiyihii hore ahaan jiray Duqa Muqdisho Maxamuud Nuur Tarzan oo haatan Xisbiga Cadaaladda Bulshadda oo wareysi xaasaasi u ku wargelinaya Ummadda Soomaaliya asagoo banaanka keenay fashilka Damu-Jiid ka haysta siyaasadda gudaha dalka taasoo ay si ba’an ugu guul-saraysteen inay si fiican wax u hoggaamiyaan tan iyo intii ay khiyaanadda ku qabsadeen hoggaanka dalka:-
 
https://www.youtube.com/watch?v=UMMBJwiSQdw
 
Kismaayo Mya 12, 2016 Sida uu soo sheegayo Wariye ku sugan Deegaanada Maamulka Jubbaland Waxaa ay Ciidamada Maamulkaasi Gacanta ku soo dhigeen Laba Ruux oo la sheegay in ay yihiin Al-Shabaab.
 
Labada Ruux ee Ciidamada Soo qabteen ayaa la sheegay in ay diyaarinayeen Qaraxyo lala Damacsanaan in lagu weeraro xarumaha Maamulka ee Degmada Baladxaawo Ee Gobolka Gedo.
 
Ciidamada ayaa gacanta ku haya waxaana ku socda Baaritaan sida wararka ay inoo xaqiijinayaan Ragan ayaa laga soo qabtay Mid kamid ah Xaafadaha Magaalada Baladxaawo ee Gobolkaasi.
 
Buuhoodle Mya 12, 2016 Wararka ka imaanaya Magaalada Buuhoodle ayaa waxa ay sheegayaan in halkaa ay ka taagan taahy xiisad u dhaxeysa laba beelood oo wada dega halkaa.
 
Wax garadka Ku nool Buuhoodle ayaa Dalbaday in labada dhinac ay joojiyaan Xiisada iyo abaabulka dagaal ee ay hurinayaan oo ay miiska wada hadallka ay isugu yimaadaan oo ay dhameeyaan khilaafka.
 
Dadka ku dhaqan Magaalada ayaa cabsi xoogan ay soo wajahday iyadoona Saraakiil katirsan Maamulka Khaatumo ay sheegeen in ay Dib ula wareegi doonaan Magaalada oo kol here ay isaga baxeen.
 
Maraykanka Mya 12, 2016 Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga Mareykanka ee la fillaayo inuu Xisbigaasi kaga qaybgali tartanta doorashada madaxtinimada ee dalka Mareykanka, ayaa wuxuu ka laabtay qorshihiisii ahaa in Muslimiinta laga mamnuuco inay yimaadaan Mareykanka.
 
Donald Trump, ayaa qorshahan oo uu ku dhawaaqay dhammaadkii sanadkii hore ku sheegay qorshe soo jeedin uun ah, hase ahaatee aanu si dhameystirin ugu baaqin in Muslimiinta laga mamnuuco soo gelitaankooda Mareykanka.
 
Donald Trump oo Arbacadii ka soo muuqday shaashadaha Mareykanka, ayaa wuxuu xilligan muujiyay inaanu Muslimiinta ka celin doonin imaanshahooda Mareykanka, haddiiba uu noqdo Hogaamiyaha dalkaasi.
 
Siyaasigan, ayaa waxaa uu qorshahan uu ku soo daray ololihiisii musharaxa Xisbiga Jamhuuriga ku meteli doono doorashada Mareykanka, wixii ka dambeeyay weeraradii 13-kii bishii November ka dhacay Magaalada Paris.
 
Ra’iisal Wasaaraha Britain, David Cameron, ayaa toddobaadkii hore diiday inuu ka laabto weerar afka ah oo uu ku qaaday Donald Trump, markii uu ku dhawaaqay qorshihiisii ka dhanka ahaa Muslimiinta.
 
“Ma bedeli doono fekerkeyga, waxaanse doonayaa inaan cadeeyo siyaasadii xilligaa la soo bandhigay inay ahayd mid khaldan, maantana way khaldan tahay, weligeydna way khaldanaanaysaa.” Ayuu yiri David Cameron.
 
Siyaasiyiinta Xisbiga Jamhuuriga, ayaa waxay si kulul u cambaareeyeen qorshaha uu la yimid Trump, waxayna muujiyeen inaanay la qabin fekerkaasi, isla-markaana uu ku keli yahay.
 
Fgooye Mya 12, 2016 Wararka aan ka heleyno duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku soo warramaya in Ciidamo kuwa Kumaandooska dowladda Federaalka iyo Ajaanib isugu jira ay weerareen saaka aroortii tuulooyinka Sabiib iyo Caanoole ee hoostaga deegaanka Mareereey ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
 
Dadka deegaanka ayaa sheegay in 3 Diyaaradood ay ka dageen Tuulada Sabiib oo Ciidamo ay ka daateen halkaas oo uu ku yaallo Sldhig ay ku sugan yihiin Xarakada Al Shabaab, waxaana ka dhacay dagaal fool ka fool ahaa.
 
Halka dhinaca Caanoole Madaafiic ay ku hoobteen iyadoona labada tuulo intaba ay isaga baxeen Ururka Al Shabaab.
 
Dagaalamayaasha Al Shabaab ayaa la soo sheegayaa in ay faarujiyeen Tuulooyinka Sabiib iyo Caanoole ee Gobolka Shabeelaha Hoose halkaas oo ay la wareegeen durba Ciidamada AMISOM.
 
Sidoo kale Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa in ay abaareen dhinaca Tuulada Bariire oo iyaduna dhacda duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
 
Beledweyne Mya 12, 2016 Iyadoo shalay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan uu ka dhacay Banaanbax rabshado watay oo ay dhigeen ganacsatada ku nool gobolka Hiiraan ayaa saakay xaalada Beledweyne waxa ay tahay mid degan.
 
Banaan baxa ayaa la sheegay in ujeedkiisa ugu weyn uu ahaa sidii wax looga qaban lahaa sicir barar baahsan oo magaalada ka jiray maalmihii la soo dhaafay.
 
Boqolaal dad oo u badan ganacsatada suuqyada Beledweyne ayaa isu soo baxay waxaana ay socod ku mareen wadooyinka iyagoo qaarkood sameynayay waxyaabo amniga wax u dhimaya.
 
Dadka banaanbaxa dhigayay qaarkood oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ujeedkooda uu yahay doolarka oo noqday mid cirka isku shareera, ayna ka shacab ahaan dareemeen saameynta uu ku yeeshay.
 
Maamulka degmada Beledweyne ayaa arrintaasi islamarkiiba jawaab kulul ka bixiyay iyagoo ku dhawaaqay in la soo qab qabto sariflayaal uu sheegay in ay suuqa soo geliyeen lacag cusub oo aan aheyn tii hore.
 
Waxaa saakay shaqeynaya goobaha ganacsiga, isu socodka gaadiidka, iyo dhaamaan waxyaabihii kale ee dadka ay isticmaali jireen.
 
Banaan baxyada noocan oo kale ah ayaa maalmihii u dambeeyay ka soconayay gobolada kale ee dalka. waxaana ay dhamantood salka ku hayaan cabashada maciishadda oo korortay iyo sarifka Lacagaha Qalaad oo cirka isku shareeray.
 
Kampala Mya 12, 2016 Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay gelinkii waxa ay gaareen magaalada Kambala ee xarunta dalka Uganda si uu uga qeyb galo maanta caleemo saarka Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni oo dhawaan shacabka dalkaasi markale ay u doorteen hogaanka dalkaasi.
 
Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha dalka Uganda waxaa ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiinta ugu sareysa dalka Uganda.
 
Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdiga la socday ayaa xalay waxa ay ka qeyb galeen casho sharaf ka dhacday madaxtooyada Qaranka Uganda.
 
Waxaana dhinaca kulamo gaar gaar ah uu la yeelan doonaa madaxda dalkaasi iyo hoggamiyeyaasha kale ee ka soo qeybgali doona caleemo saarka Madaxweynaha dalka Uganda.
 
Dhowaan ayay aheyd markii madaxweynaha Soomaaliya uu ka qeyb galay caleemo saarka madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
 
Talyaaniga Mya 12, 2016 Ciidamada booliska Talyaaniga ayaa u suuragashay in ay gacanta kusoo dhigaan kooxo Soomaali ah oo dadka doomaha kusoo gala xeebaha dalkaasi usii gudbiya dalalka kale ee Yurub, iyagoo lacago ka qaata qoysaskooda. odobo qof oo shan ka mid ahaayeen dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa howlgalkaasi oo loogu magac daray “Somalia Express” lagu soo qabtay, halka labada nin kale ay u dhasheen dalka Talyaaniga, kuwaasi oo ahaa waayeello la shaqeynayay dhalinyaradaan.
 
War Saxafaddeed
 
Muqdisho May 11, 2016 Ra’iisal Wasaare Mudane Cumar Cabdirashid Cali oo aqoonsaday Maamul Goboleedka Galgaduud Sare ee looga dhawaaqay magaalada Caabudwaaq. Ra’iisal Wasaare Mudane Cumar Cabdirashid Cali oo horay us aqoonsaday Madaxweynaha Ahlu Sunna Waljama Mudane Shiikh Shaakir. Ra’iisal Wasaare Mudane Cumar Cabdirashid Cali oo sheegay haddii uu Madaxweynaha Mudane Xassan Shiikh Maxamuud aqoonsaday xaafad kamid ah magaalada Gaalkacyo inay noqoto maamul goboleed maxaa diiidaaya in aan aqoonsano cid kasto oo maamul goboleed ku dhawaaqda.
 
Ra’iisal Wasaare Mudane Cumar Cabdirashid Cali oo tacsi u diray qabaa’ilka Sade Daroord oo uu dhawaan ka geeriyooday Ugaaska Guud ee qabaa’ilka Sade Darood/Mareexaan Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle.
 
Ra’iisal Mudane Cumar Cabdirashid Cali oo sheegay inay jiraa khaladaad badan oo siyaasaddeed kuwaasoo aan lagu dabaqin sharciyadda iyo dastuurka dalka marka haddii dad qaar loo ogolaado inay jabiyaan sharciyadda iyo dastuurka dalka maxaa diiyaaya ina dadka kalena jabiyaan?
 
Ra’iisal Wasaare Mudane Cumar Cabdirashid Cali waxuu ka codsanayaa Ummadda Soomaaliyeed inay cafiyaan khaladaadkii siyaasaddeed ee ku galay isla-markaasna waxuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo Ummadda Soomaaliyeed si cadaalad iyo sinaan ah.
 
Ra’iisal Wasaare Mudane Cumar Cabdirashid Cali oo caddeeyey qabiilkii ama qabaa’ilada samaysanaya maamul goboleed inay waafajiyaan sharciyadda iyo dastuurka dalka.
 
Waa Mahadsan Tihiin,
 
Ra’iisal Wasaare Mudane Cumar Cabdirashid Cali
 
Xafiiska Raysal Wasaaraha
 
Afhayeenka Raysal Wasaaraha
 
Xafiiska Isgaarsiinta

WARARKA MAANTA MAY 11, 2016

Muqdisho May 11, 2016 Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa maanta qaabilay dhalinyaro mataleysay qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka, waxaana kulankan ku wehlinayay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

Kulankan oo ka dhacay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa diirada lagu saaray sidii loo dhiiragelin lahaa dhalinyarada si ay qeyb uga noqdaan hanaanka geedi socodka doorashada dalka ee 2016 iyo sidii ay uga dhex muuqan lahaayeen hay’addaha kala duwan ee dowladda.

Ugu horeyn Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa faah faahin dheer ka siiyay dhalinyarada geeddi socodka 2016, aragtina ka siiyay habka ay dhalinyaradu kaalin uga geysan karaan sidii loo heli lahaa isbadal ku yimaada si Dimuqraadi ah, waxa uuna hoosta ka xariiqay in dhalinyarada la’aanteed aaney suurtagal aheyn in la gaaro hiigsiga iyo isbadalka dhabta ah.

“Dhalinyarada waxaa looga baahan yahay inay la yimaadaan isbadal, dhexdoodana ay is kaashadaan isna aaminaan, waana in aadnaan cidna ka sugin masiirkiina” ayuu yiri R.wasaaraha oo tilmaamay in dhalinyaradii SYL ee dalka u horseeday gobanimada ay duruufo adag ku soo beegantay halgankoodii, isla markaana aysan helin fursadaha maanta ay heystaan dhalinyarada Soomaaliyeed, dhanka aqoonta, Teknoliyada iyo dhamaamba adeegyada aas aaska u ahaa abaabulka.

“Xukuumadeyda waa xukuumada ugu dhalinyarada badan xukuumadihii dalka soo maray, waxayna hayaan Wasaaraddaha ugu muhiimsan, sidoo kalena waad la socotaan shaqaalaha dowladda boqolkiiba sideetan waa dhalinyaro, weliba kuwa dalka gudihiisa wax ku bartay” ayuu yiri

Sidoo kale, intii ay socotay wadahadalka dhalinta iyo Ra’iisal Wasaaraha ayay su’aalo weydiiyeen R.wasaaraha, waxaana u badnaa, habka xulista Baarlamaanka soo socda, aqalka sare, iyo sida ugu haboon ee loo heli karo cid la xisaabtanta oo saxda khaladaadka dhici kara.

Ra’iisal wasaaraha ayaa tilmaamay in dhalinyaradu ay la yimaadaan dadaal iyo karti, si ay ugu suurtagasho inay helaan waxa ay u qalmaan, waxaana sidoo kale dadka su’aalaha weydiiyay ka mid ahaa shaqsiyaad matalayay bulshada baahiyaha gaarka ah qaba, sida dhalinyaro ka socotay Dugsiga dadka indhaha la’ ay wax ku bartaan ee Al Basiir, waxayna ka codsadeen in dadka naafada iyo indhoolayaasha ah lagu daro shaqaalaha dowladda.

Gabagabadii Ra’iisal Wasaaraha ayaa ka waaniyay dhalinyarada inay dalka ka Tahriibaan, ayna dulqaad yeeshaan, isaga oo xusay in shirkii ka dhacay Malta, lagu diyaariyay qorshe guud oo waxbarid iyo shaqo abuur isugu jira lagu diyaariyay, lana filayo inay dhowaan dhaqan gasho, wuxuuna dhanka kale tilmaamay in golaha Wasiiradu ay diyaariyeen waxa loo yaqaano siyaada dhalinyarada (Youth Policy), taasoo dhowaan ay meel marin doonaan.

Muqdisho May 11, 2016 Wasaaradda arimaha dibada Finland ayaa heshiis la saxiixatay Bankiga aduunka kaa oo 4 Million oo Yurow ah ay u soo marsiinayso inay maamusho barnaamijka New Deal ee Soomaaliya.

Tarja Fernández Safiirka Finland ee Soomaliya ayaa sheegay in Filand ay taageryso wadamada soo koraya ama ku fashilmay iyadoo laga tagaerayo dhinacyada dhaqaalaha waxaa lagu abuuraya barnaamijka fursado dhinaca shaqada ah iyo isbadalada dhinaca nidaamka dhaqaalaha.

Mas’ulkan waxa uu shaaca ka qaaday inay si dhow ula shqeen doonan Saraakiisha Soomaaliya

Muqdisho May 11, 2016 Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo ka hadlay Xaflad ay Xilalka kula kala Wareegayeen Guddoomiyihii hore ee Maxakamadda Sare iyo Guddoomiyaha Cusub ayaa ugu baaqay Mas’uuliyiinta Dowladda ee Xilka ka tagaya in aysan ka Faa’ideysan Xilliga kala Guurka.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Xilka laga hayo Dowladda uu yahay meerto islamarkaana Mas’uuliyiinta Dowladda laga doonayo in ay Ilaaliyaan Hantida Guud ee ka dhaxaysa Ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Maxamed Cumar Carte ayaa meesha ka saaray in Dowladda Soomaaliya aysan ka faa’ideysaneyn Xiliga kala guurka oo aysan jirin Cid Xilka looga qaadayo in looga faa’ideysti Waqtiga kala Guurka ee hadda Dowladda Soomaaliya ay ku jirto sida uu hadalka u dhigay.

Muqdisho May 11, 2016 Afhayeenka Argagixisa Ururka Al Shabaab/UGUS Sheekh C/casiis Abuu Muscab, ayaa waxaa uu faah faahin dheeri ah uu ka bixiyay dagaalkii, ay hal habeen ka hor Ciidanka Mareykanka kula galeen Deegaanka Toora Toorow Ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Afhayeenka, ayaa waxaa uu sheegay in ciidan ay ku tuhmayaan kuwa Mareykanka inay soo qaadeen weerar iyaga ka dhan ah, isla-markaana ay ku fashiliyeen meel 2km u jirta Deegaanka Toora Toorow. Wuxuu sheegay in markii hore ay diyaaradaha kaga soo daggeen meel 6km u jirta Deegaankaasi.

Afhayeenka, ayaa tilmaamay inaysan Ciidamada Mareykanka u suurta-gelin inay gudaha u soo galaan Toora Toorow, ka dib markii uu sheegay in halka loo yaqaano Warta ay ku celiyeen Ciidankaasi.

Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay Idaacada Andalus, ayaa intaa ku daray in Ciidankaasi ay wateen laba helicopter, ayna dib ugu laabteen diyaaradahaasi, xilli sida uu sheegay ay weerarka fashiliyeen.

Wuxuu ku faanay in Xoogaga Ururka Al Shabaab ay u diyaarsanaayeen ka hortagga weerarkaasi, isla-markaana ay Ciidankaasi dib ugu laabteen Garoonka Balli-doogle, oo sida uu ka dhawaajiyay lagu soo diyaariyay weerarka.

Mar uu ka hadlaayay khasaaraha ka dhashay dagaalka, ayuu sheegay inay ogyihiin oo qura dhaawaca haweeney da’ ah, oo ka tirsan dadka reer Toora Toorow, iyadoo uu meesha ka saaray in dhankoodu uu wax khasaara ihi ka soo gaaray dagaalka. Sidoo kale waxaa uu bidhaamiyay inaysan waxba kala socon haddii uu jiro khasaaro soo gaaray Ciidanka Mareykanka iyo haddii kalaba.

Caabudwaaq May 11, 2016 Wararka naga soo gaaraya Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in halkaasi laga sugaayo Madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland iyo DDSI.

Seddexdaani madaxweyne maamul Goboleed ayaa la filayaa inay gaaran Degmada Caabudwaaq iyaga oo marti galin ka helay maamulka.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Seddexdaasi mas’uul ay halkaasi uga qeybgali doonaan Aas Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle oo ahaa Ugaaska Beesha mareexaan ee Gobolka Galgaduud.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka ayaa sheegay in mas’uuliyiintaasi iyo mas’uuliyiin kalaba ay ku martiqaadan yihiin Degmada Caabudwaaq, balse ma aysan kasii faalon.

Mid kamid ah Saraakiisha ayaa sheegay in in Madaxdaasi ay ka qeybgali doonaan Aaska Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle oo ahaa Ugaaska Beesha mareexaan ee Gobolka Galgaduud sidoo kalane ay isku soo dhaweynayaan DF iyo maamulka.

Mas’uuliyiintaasi iyo kuwa kale oo ka tirsan DFS ee halkaasi gaari doona ayaa sidoo kale lagu wadaa in kulamo wakhti yar qaadan doona la yeelan doonaan maamulka si ay ugu cadaadiyaan in jiritaanka Dowlada aysan shaki galin oo ay la shaqeeyan.

Madaxweynayaasha Jubaland, Puntland iyo DDSI kama aysan hadal wali socdaalkooda.

Khaatumo State May 11, 2016 Maamulka Khaatumo Oo Ku Dhawaaqay Inay Weerar Ka Fuliyeen Guriga Gudoomiyaha Gobolka Sool Ee SNM

Caabudwaaq May 11, 2016 Maamulkii ugu yaabka badnaa dhismihiisa ayaa shalay looga dhawaaqay magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, kadib markii dad aan badneyn cod gacan taag ah ku doorteen madaxweynaha maamulka Galgaduud sare. Xasan Gacaliye oo ah shaqsiga loo doortay madaxweynaha maamulkaasi ayaa si cad u sheegay ineysan aqoonsi ka dooneynin Dowlada Soomaaliya oo ay weheshanayaan maamulo ay qabiil ahaan isku wada dhow yihiin.
Maamuladaasi oo uu sheegay ayaa waxaa kamid ah Puntlnad, Jubbaland, dowlda Deegaanka Soomaalida iyo maamulkii Bakool sare, isaga oo inkiray maamulka Galmudug.

Abduwaq May 10, 2016 Baarlamaanka Maamulka Galgaduud Sare ee dhawaan looga dhawaaqay waqooyiga Gobalka Galgaduud ayaa doortay Madaxwayne iyo Kuxigeenkiisa

Madaxweynaha maamulkaas cusub waxaa loo doortay Xassan Gacaliye wuxuuna goobta ka balan qaaday inuu wax badan u qaban doono dad dega Gobolka Galgaduud isagoona taageere weydiistay Maamulada Puntland iyo Jubbaland uuna sheegay inuu la yeelan doono xiriir wanaagsan oo ku dhisan wada shaqeyn.

Mr Xassan Gacaliye ayaa in Taabagalinta Hanaanka maamul iyo dhismaha xarumaha muhiimka ah in ay Hiil & Hooba uga baahan yihiin Puntland & Jubbaland oo labaduba ka horeeyey, khibrad dheerna u leh dhismaha maamulka.

HAL:KAAN KA DAAWO MUUQAALKA

1 2 3

WARARKA MAANTA May 09, 2016

Muqdisho May 09, 2016 R.Wasaaraha oo guddi xaqiiqo raadin ah u magacaabay eedaha loo jeediyay Hay’addaha Amniga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa guddi xaqiiqo raadin ah u magacaabay eedo loo jeediyay hay’addaha amniga dalka.

Guddigan oo ah guddi heer wasiir ah ayaa ka kooban 4 xubnood oo kala ah.

  1. Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Mudane Cabdullaahi Axmad Jaamac (Ilka-jiir)
    2. Wasiirka Wasaaradda Arr. Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa
    3. Wasiira Wasaaradda Amniga Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed
    4. Taliyaha Ciidanka Asluubta Gen. Bashiir Maxamed Jaamac

Guddigan ayaa soo baari doona wararka la xiriira adeegsiga dhalinyaro yar yar oo ka soo baxsaday kooxaha nabadiidka ah ee Al shabaab oo hay’addaha anmnigu u adeegsaeen inay u Basaasaan xogna uga keenaan Al shabaabka, sida lagu daabacay wargeysyada qaar.

Xukuumada Federaalka Soomaaliya, waxa ay cafis u fidisay dhalinyarada la qalday ee ka soo baxsada kooxaha nabadda diidan ee Al shabaab oo u adeegsada caruurta falal qaribaad ah, naftoodana lagu haligo, waxa ayna taakuleyn siisay dhalinyaro badan oo ka soo baxsaday Al shabaabka kadib markii ay garowsadeen in dhaqamada kooxdani uu yahay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka, Nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya.

—-DHAMAAD—

Nairobi May 09, 2016 Faraax Macalin oo ka hadlay asagoo dhiliilo u soo jeediyey dowladda Kenya https://www.youtube.com/watch?v=QpVwKjUVLzI

Djibouti May 09, 2016 Munaasibada caleemo saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo hadda ka socota xarunta guriga ummadda ee dalka Jabuuti ayaa waxaa ka qayb galaya Madax kala duwan, Fanaaniin iyo Marti Sharaf kale, waana markii Afraad ee Madaxweyne Geelle loo doorto xilkaasi. Goobta munaasibadu ka socoto ayaa meel gaar ah waxaa Fadhiistay Madaxda kala duwan ee ka socotay Africa oo uu ku jiro madaxwaynaha Soomaaliya, Sidoo kalana madaxda maamul goboleedyada iyo Marida kale ayaa la fadhiisyey meel gaar ah, waxaana kasoo dhex muuqday Axmed Siilaanyo oo shacabka Hargeisa iyo burco u sheega inuu yahay madaxwayne dal gaar ah.

Nairobi May 09, 2016 Dawladda Kenya ayaa sheegtay inay celinayso Qaxootiga Soomaalida ee jooga Kenya, taaso keentay in qaxooti badan oo Soomaaliyeed wal-wal ku aabuurto maadama ay weli nabad xumo ka jirto meelhii ay ka soo qaxeen. Ma aha markii ugu horaysay oo ay Dawladda Kenya ku goodiso in ay xidhayso xeryaha waawayn ee Soomaalidu degantahay, taas oo loo badinayo inay rabaan inay soo Indhaha Caalamka soo jiitaan si looga wada hadlo. Ilaa iyo hadda lama cabiri karo go’aanka saxda ah ee kama danbaynta ah ee dawllada Kenya ka qaadanyso qaxootiga

wararka widhwidh online

May 09, 2016 Hay’adda Boqortooyadda Britain ugu qaabilsan Cilmiga Xiddigiska ee Britain’s Royal Astronomical Society (RAS) ayaa sheegtay inay qorraxda maanta madoobaan doonto ilaa 7 saacadood, waa sida ay Khubaradaasi saadaaliyeen.

Inta badan qorrax madoobaadka ayaa la tilmaamay in laga dareemi doono Galbeedka Qaaradda Europe, qeybo ka mid ah Waqooyiga iyo Galbeedka Afrika, Bariga Dhexe, Bariga Waqooyiga Ameerika.

Sidoo kale inta badan Qaaradaha Afrika iyo Asia ayaa qeybo ka mid ah laga arki doonaa Qorrax-madoobaadka.

Bariga Afrika waxaa la sheegay inay qorraxdu madooban doonta saacaddu markay tahay 02:14 daqiiqo ee Duhurnimadda maanta, waa sida ay Xiddig-yaqaanaddu saadaaliyeen.

Hay’adda Maraykanka ugu qaabilsan Hawada Sare ee NASA ayaa sheegtay inay Websaytkooda si toos ah ugu baaahin doonaan marka ay dhacdo Qorrax-madoobaadka la filayo in maanta la arko. http://www.nasa.gov/transit

Sidoo kale, Hay’adda Slooh ee ku takhasustay Cilmiga Xiddigiska (Falakiyah) ayaa sheegtay inay toos ugu baahin doonto Shabakadooda http://live.slooh.com

Khubarada Xiddigiska (Astronomers) waxay saadaaliyeen inay Qorrax-madoobaadka bilaaban doonto saacadda markay tahay 11:12 daqiiqo ee Xilliga GMT oo u dhiganta 02:14 daqiiqo ee xilliga Bariga Afrika (EAT), waxayna socon doontaa ilaa 18:42 daqiiqo ee GMT ama 06:42 daqiiqo ee Xilliga Bariga Afrika.

Si kastaba ha ahaatee, Ilaahay baase og Xaqiiqda Dhacdadaasi la saadaaliyey, waxaana qorrax-madoobaadka la arkaa 100-kii sanno celcelis ahaan muddo 13 saacadood

Muqdisho May 09, 2016 oo Dowladda Soomaliya ay magacowday guddiga Barakacayaasha Gudaha Dalka

Dowlada Soomaaliya ayaa guddi heer wasiir ah u magacowday samaynta qorshaha Barakayaasaha qaranka Soomaaliyeed.

Ra’iisulwasare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Cumar Carte ayaa magacaabay gudiga loogu talagay in ay soo diyaariyaan qorshaha qaranka.

Maxamed Cumar Carte Qaalib oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay taageerayso barakacayaasha Soomaaliyeed.

Carte ayaa sheegay in guddigaan uu kashaqeyn doono hagida iyo hormarinta barakacayaasha Soomaaliyed,islmarkaana dowladda ay qaadan doono qorshaha hormarinta dadka barakacayaasha.

Shalay ayey ahayd markii kulan gaar ay Muqdisho ku yeesheen Wasiirada qorshaynta ,haweenka, howlaha guud,arimaha gudaha,wakiilo mataalyo maamul goboleeyada kasoo looga hadlayey hormarinta barakacayaashaMuqdisho May 09, 2016 Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir oo ka hadlay Qaraxii saakay ka dhacey Fiisho Taraafiko

Iyadoo Saaka Qarax Ismiidaamin ah lagu Weeraray Xarunta Ciidamada Ilaalada wadooyinka Soomaaliya ee Degmada Shangaani ayaa waxaa Qaraxaasi ka hadlay Maamulka Gobolka Banaadir.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in Qaraxa uu ahaa Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa islamarkaana uu waday Dagaalame ka tirsan Shabaab.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in Mid kale oo ka tirsan Shabaab oo Hubeysnaa islamarkaana doonayay inuu Xarunta Ciidamada Ilaalada Wadooyinka uu gudaha u galo ay Toogteen Ciidamada Ammaanka.

Qaraxa ka dhacay xarunta Fiisho Taraafiko ee Degmada Shangaani ayaa waxaa ku dhintay inta la Og yahay 5 Ruux oo ay ku jiraan Labo dagaalame oo Shabaab ka tirsan iyo Tiro Shacab ah.

Wali ma jirto Faah-faahin intaas ka baxsan oo laga hayo Qaraxa ka dhacay Xarunta Ciidanka Ilaalada Wadooyinka ee Muqdisho,Hay’addaha Amaankana wali war rasmi ah kama soo saarin marka laga soo tago Warka ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir.

Muqdisho May 09, 2016 Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir oo ka hadlay Qaraxii saakay ka dhacey Fiisho Taraafiko

Muqdisho May 09, 2016 Xoghayaha Warbaahinta ee Madaxtooyadda Uganda, Linda Nabusayi ayaa u sheegtay Wargeyska The Monitor in Kulankaasi looga hadlay qoddobo muhiim, isla markaana ay saddexda Mas’uul isla qaateen qoddobadii ay ka hadleen.

Sarkaalka EU-da ugu qaabilsan Warbaajinta, Emmanuel Gyezaho ayaa sheegay inay Madaxweynaha Uganda kala hadleen xiriirka EU-da iyo Uganda iyo Arrimaha gobalka, gaar ahaan Hawlgalka Nabad-ilaalinta Somalia.

Madaxweynaha Uganda iyo Madaxa Ergadda Yurub ee u jooga dalka Uganda, Kristian Schmidt waxay si gaar ah uga hadleen doorka Ciiddanka Uganda ee Hawlgalka AMISOM iyo go’aankii Dowladda Uganda isbuucii hore ku shaacisay inay Dib-u-eegis ku samaynayaan Ciiddankooda ka jooga Somalia.

Madaxweyne Museveni waxa uu sheegay inaysan Uganda marnaba ciiddankeeda kala soo bixi doonin Somalia, balse ay dib u eegayaan Hawlaha Ciiddanka Uganda ee loo daad-gureeyey Somalia.

Kulanka Madaxweynaha Uganda la yeeshay Diplomaasiyiin ka socday Maraykanka iyo Midowga Europe ayaa ku soo beegmay, iyadoo la filayo inay Taliska Sare ee Hogaaminta Ciiddanka Uganda oo uu Madaxweyne Museveni madax ka yahay ay muddo labo isbuuc kadib soo saaraan Go’aankooda Rasmiga ee ku aadan Dib-u-eegista Istaraatijiyadda Ciiddankooda qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Dhinaca kale, Wargeyska The Monitor ma sheegin in Kulankaasi looga hadlay Tallaabadda ay EU-da ku jareen 20% Kaalmadda Dhaqaale ee ay siiyaan Hawlgalka AMISOM iyo Mushaar la’aanta dhowrka bilood ee haysata Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Maraykanka iyo EU-da oo ugu baaqay Madaxweynaha Uganda inuusan ciiddankiisa kala bixin Somalia

Madaxweynaha Uganda, Yoweeri Museveni waxa uu Kulan la qaatay Danjiraha Maraykanka iyo Madaxa Ergadda Yurub ee u jooga dalka Uganda, Ambasasdor Deborah Malac iyo Kristian Schmidt, waxayna ka wada hadleen Horumarka dhinaca Siyaasadda iyo Doorashooyinka Uganda iyo Qorshaha Dowladda Uganda ee Ciiddankeeda qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Xoghayaha Warbaahinta ee Madaxtooyadda Uganda, Linda Nabusayi ayaa u sheegtay Wargeyska The Monitor in Kulankaasi looga hadlay qoddobo muhiim, isla markaana ay saddexda Mas’uul isla qaateen qoddobadii ay ka hadleen.

Nairobi May 09, 2016 Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa qorsheynaya in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqo Xukuumada Cusub ee Maamulka Jubbaland.

Wararka warqaad ay ka heleyso Kismaayo ayaa sheegaya in ay socdaan olole uu Axmed Madoobe ku doonayo in uu ugu dhawaaqo Wasiirada Cusub ee Maamulka Jubbaland uu yeelanayo.
Sidoo kale waxaa Magaalada Kismaayo ka soconayo kulamo ay wadaan Siyaasiyiinta qaar eek u aadan iney ka mid noqdaan Xukuumada Cusub ee Maamulka Jubbaland.

Kuuriyada Waqooyi May 09, 2016 oo wariyeyaal ka tirsana BBC-da ka soo ceyrisay Dalkaasi Weriyaha BBC Rupert Wingfield-Hayes iyo koox la shaqaynaysay ayaa laga soo eryay Kuuriyada Waqooyi kaddib markii loo xiray in ay halkaas ka soo waramayeen awgeed.

Weriyaha soo saarihiisa Maria Byrne iyo kaameeraystahoodii Matthew Goddard ayay saraakiil celiyeen iyaga oo ka soo bixi lahaa Kuuriyada Waqooyi.

Waxaa su’aalo la waydiinayay sideed saac waxaana laga saxiixay warbixin.

Saddex doodaba waxaa la qabtay laakiin waxaa loo qaaday garoonka diyaaradaha.

Kooxdan BBC-da waxay halkaas tageen ka hor shir waynaha xisbiga shaqaalaha, waxaana la socday wafdi ku guulaystay abaal marinta Nobel-ka.

Hogaanka Kuuriyada Waqooyi waxaan raali galinin warbixinta ka hadlaysay nolosha caasimadda oo laga diyaariyay.

WARARKA MAANTA May 08, 2016

Maanta waa Maalinta Hooyooyinka! Maalinta Hooyadda!

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xassan Shiikh oo looogu yeeray Wasiirka Waxbarashadda markii uu ka dagay Garoonka Diyaaraadda ee Djibouti sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa asagana waxaa la dhigay Madaxweynaha Jubbaland, Nala daawada anshax xummadda lagula dhaqaaqay madaxdan jah-wareersan https://www.youtube.com/watch?v=TJuCGuW7UIg

Djibouti May 08, 2016 Maanta wadanka Jabuuti ee Jamhuuriyada Jabuuti waxaa ka dhaceysa Xaflad lagu Caleemasaarayo laguna dhaarinayo Madaxweynaha Dalka Jabuuti Mudane Cismaaciil Cumar Geelle.

Xafladda Caleemasaarka ayaa waxaa ka qeyb  galaya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,Madaxweynaha Soomaaliland,Madaxweynaha Puntland iyo Madax kale oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Wadanka Rwanda .

Madaxweynaha Dalka Jabuuti Cismaaciil Cumar Geelle oo War ka soo saaray Munaasabadda ayaa maanta Fasaxay Shaqaalaha Dowladda iyo Xarumaha waxbarashada si aysan saameyn ugu yeelan Munaasabadda Caleema-saarka ee maanta ka dhacaysa Wadankaasi.

8 Bishii hore ayaa Madaxweyne Geelle Markii saddexaad waxaa dib loogu doortay inuu noqdo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuto.

Djibouti May 08, 2016 Wararka aan ka heleyno dalka Jabuuti ayaa ku soo warramaya in kulamo gooni gooni ah halkaas ay ku yeesheen masuuliyiin iyo siyaasiyiin ka tirsan Soomaaliya.

Masuuliyiin jabuuti ku sugan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Xasan Sheekh Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynihii Dowladdii KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay kulmeen Jabuuti.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa kulan kale isla jabuuti kula qaatay Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynihii hore ee maamulkaas Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole.

Dhammaan kulamada ayaa ahaa kuwa albaabada ay u xiran yihiin oo aan la ogeyn waxyaabaha rasmiga ee la iskula soo qaaday.

Hayeeshee waxaa xusid mudan dhammaan Masuuliyiintaan ayaa Jabuuti u gaaray sidii ay uga qeyb gali lahaayeen munaasabad lagu caleemo saarayo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo markii 3aad hoggaanka Jabuuti loo doortay.

Kulanka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynihii ka horeeyay oo aan Warbaahinta loo ogolaan ayaa imaanaya xilli dalka ay ku soo fool leeyihiin doorashooyinka Baarlamanka iyo Mida Madaxtinimo intaba walow weli Sheekh Shariif uusan cadeynin haddii uu musharrax yahay sida uu  horeyba ugu dhawaaqay Xasan Sheekh oo iminka ma jiraha u haya talada dalka.

Djibouti May 08, 2016 Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya, sidoo kalena ah xubnaha aadka ugu dhaw Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in uu qabo aragtida ah in Dowladda ay si wanaagsan yeeshay kol hadii aysan ka shaqeyn inay waqti ku darsato, xilligii loo balamay Doorashada.

Faarax Sheekh C/qaadir ayaa sheegay Waqtiga Dowladda marka uu dhamaado inay noqonayso in dalka ay ka dhacdo Doorashada la filaayo, islamarkaana taasi ay tahay qorshe Dowladda ay ku dadaashay.

“Aniga waxaan ku leeyahay si sahal ah malaha malaga sheekeyn doonaa ayaan is leeyahay, miro gunta ku jira kuwa geed saaran looma daadiyo anigana Musharax ma’ihi 2016, laakiin waxaan ku faraxsanahay in maanta Madaxweynaha iyo Dowladuba ay ka shaqeeyaan inaysan muddada kororsan oo maalinta ugu dambeysa ee waqtiga Dowladda ay noqoto maalinta ay dhaceyso Doorashada.” Ayuu yiri Faarax oo la hadlay TV-ga Universal

Isaga oo ka hadlaya waxyaabaha suuragalka noqon kara ee caqabada ku ah Doorashada ayaa wuxuu ku tilmaamay arimaha Qabaa’ilka iyo Dastuurka.

“Wey jiraan waxyaabo na xadidaya Dastuurkeena Mushkilad ayuu qabaa KMG ah oo laga gudbu u baahan oo in dib loo eego u baahan , Dhaqankeena Siyaasad Mushkilad buu qabaa oo hada Qabiil ayuu ku saleysan yahay oo aanan saamaxeyn dad badan oo waxgarad ah inay isgarab socdaan.

Inkastoo Ra’iisul Wasaaraha Somaliya uu horay Warbaahinta uga sheegay inay suuragal tahay muddo labo bilood ah in lagu daro waqtiga Doorashada, ayaanan la ogeyn taasi inay noqon doonto mid sax ah, ama in Doorashada ay ku dhaceyso waqtigii loogu talo galay.

Dowladda hada shaqeysa ayaa waxaa u haray wax ka yar 4-bilood, waxaana muuqata howlo badan inay hor yaalaan Baarlamaanka oo ay ugu muhiimsan tahay arimaha Dastuurka dalka.

Khaatumo State May 08, 2016 Duleedka Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer waxaa ka socda dhaqdhaqaaq Ciidan oo ay wadaan Ciidan uu hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr waxaana ay doonayaan Ciidankaas in ay dib ula wareegaan Maagalada Buuhoodle oo horay looga saaray.

Abshir C/Casiis oo ah Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Maamulka Khaatumo ayaa sheegay in Hadda Magaalada ka jirto cabsi ay Dadka Deegaanku qabaan.

Waxaa uu Wasiir ku xigeenku sheegay in Buuhoodle Gacanta ku hayaan Ciidamo Beeleed kuwaaas oo ka saaray Ciidamo taabacsanaa Madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Galeyr.

Horay ayaa Magaalada Buuhoodle waxaa ula wareegay Ciidamo kuwaas oo lagu sheegay in ay yihiin Maleeshiyo Beeleed kasoo horjeeda Maamulka Khaatumo.

AMISOM May 08, 2016 Afhayeenka Ciidanka Uganda, Col. Paddy Ankunda ayaa sheegay in Xilliga la joogo uusan jirin qorshe cad oo dowladdiisa uga dagsan inay ciidankeeda ka saarto Dalka Somalia, ayna joogi doonaan.

“Warbaahinta ayaa baahisay inay iga xigteen inaan ciidamadeenna kala baxayno Somalia, balse anigu sidaas hadalka uma dhihin,” ayuu yiri Ankunda oo intaas ku daray in Uganda ay dib u eegis ku sameyneyso ciidamadeeda ku sugan Somalia iyo Jamhuuriyada Afrikada Dhexe.

Sidoo kale, dhawaan ayay ahayd markii waraabinta caalamka qaarkeed sida BBC-da ay baahiyeen in Uganda ay ka fikirayso sidii ay u soo gaba-gabeyn lahayd hawl-galka ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya iyo Waddanka Bartamaha Afrika.

“Waa dhab in Uganda ay dib u eegis ku sameynayso ciidamadeeda, balse ma jiro go’aan cad oo tibaaxaya inaan ciidamadeenna laga saarayo Somalia,” ayuu Paddy Ankuna mar kale yiri.

Dhanka kale, Saraakiil ka tirsan Xukuumadda Uganda ayaa BBC-da u sheegay in Museveni uu ka fikirayo sidii uu hawl-gallada ciidamada Uganda ee Somalia iyo Afrikada Dhexe loosoo gaba-gabeyn lahaa.

Ugu dambeyn, dalka Uganda ayaa waxaa Somalia 6,000 oo askari oo AMISOM ka mid ah, iyadoo ciidamada Uganda ay ahaayeen kuwii ugu horreeyay oo Somalia la keeno sannadkii 2007-dii

WARARKA MAANTA MAY 07, 2016
Garoowe May 07, 2016 Guddoomiyihii Hore Ee Maxkamadda Sare Ee Dalka Abuukaate Ceydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf ayaa sheegay in uu aqbalay Go’aankii khladka ahaa ee uu ku dhaqaaqay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka ugu qaaday .

lka xanaf oo xalay warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu  soo dhaweynayo gudoomiyaha  cusub ee loo magacabaay maxkamada Sare dalka mudane Ibaraahim Iidle Suleymaan.
Ilka Xanaf ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ,ra’iisulwasaaraha dalka iyo ra’iisulwaase ku xigeenka dalka Maxamed Cumar carte.
Avv. Ceydiid Ilka-Xanaf ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo xil ka qaadista Madaxweynaha, isla markaana uu diyaar u yahay inuu shaqada isaga tago oo uu ka fariisto, maadaama muddo 60-sano ku dhow uu dalka u soo shaqeynayay.
“Dalka sharci ayuu leeyahay waa dhab, wixii sharciga yahay waa sidiisii, wax xaaraan ah anigu ma xalaaleynayo, hadaan danta dalka iyo dadka eegana aniga dhibaateyn maayo, wax aniga igu saabsan dalka uma bur burayo, Shaqo aan jecleysanayo dalka dhibaato uma imaaneyso, qalalaaso siyaasadeed iyo mid dastuur inuu dalka ku yimaadana ma jecli”ayuu yiri Ceydiid Ilka-Xanaf. https://www.youtube.com/watch?v=p_XfbWi_Vp4
Waxaa uu sheegay in markii uu dalka dib ugu soo laabanayay 1994 ujeedkiisa aheyd in Midnimada la xoojiyo, isla markaana wixii markaas ka dambeeyay uu qabtay xilalka Xildhibaan, Wasiir iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeen.
Ceydiid Ilka-Xanaf oo ay wehliyeen Xildhibaano iyo Wasiiro ku heyb ah ayaa xalay la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo la sheegay in markii dambe la ogoleysiiyay Ceydiid inuu aqbalo xil ka qaadista, waxaana jira is faham iyo heshiis hoose oo dhex maray labada dhinac, taasoo ugu dambeyn keentay in Ceydiid ogolaado inuu aqbalo xil ka qaadista.
4-tii bishan ayay aheyd markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Maxkamadda sare Ceydiid Ilka-Xanaf, iyadoo uu magacaabay Guddoomiye cusub oo lagu magacaabo Ibraahim Iidle Saleebaan oo horay u soo noqday Garyaqaankii Guud ee Maamulka Somaliland.

May 07, 2016 Laacibka dalka Cameroon u dhashay ee Patrick Ekeng, ayaa geeriyooday ka dib markii uu istaaga ka dhacay, xilli uu ka dheelayay horyaalka dalka Romania.
Ekeng oo 26 jir ahaa, ayaa miyir beelay todobo daqiiqo markii uu dheelay, isagoo bedel ugu soo galay kooxdiisa, Dinamo Bucharest.
Ma jirin ciyaartooy kale oo uu ku dhacay ama waxyeelo kasoo gaartay.
Dhakhaatiirta caafimaadka ayaa cisbitaal ula cararay, balse waa uu soo kici waayay.
Sanadihii lasoo dhaafay, tiro ciyaartooy Afrikaan ah ayaa dhintay xilli ay dheelayeen.
Garoowe May 07, 2016 Sida Qorshuhu Yahay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Goordhow la rajeynayaa inuu U ambaboxo Dalka Jabuuti,
Madaxweynaha waxaa wafdigiisa ku wehlin doona Xumno Ka Tirsan Golayaasha Dowladda iyo Waxgarad Kale, Ayaa ka duuli doona Garoonka Diyaaradaha ee Bosaso.
Madaxweyne gaas ayaa la qorsheynayaa Inuu Caasimadda Dalka Jabuuti Barito Oga Qeybgalo Caleema saarka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cuma Geelle oo Markale Loo Doortay Madaxtinimada Jabuuti,
Waxaanna Barito Sida la rajeynayo Ka dhici doonta Magaaladda Jabuuti Xafladda Caleema saarka Madaxweyne Geelle oo Markii Afaraad La doortay
MSF May 07, 2016 Hey’adda MSF oo Kenya ka codsatay iney dib u eegto go’aanka xiritaanka Xeryaha Qaxootiga
Hey’adda dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa dowlada Kenya ka codsatay in dib ay u eegto warsaxafadeedka ay ku sheegtay iney xireyso xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma
MSF ayaa qoraal ay ku soo qortay barteeda Twitterka ku sheegtay in tani ay qatar ku tahay nolosha kumanaan kun oo qof.
Kenya ayaa shalay shaacisay iney xireyso xeryaha qaxootiga iyada oo sababta ku sheegtay dhibaatooyin dhinaca Amniga,Dhaqaalaha iyo deegaanka oo kaga yimid Al Shabab.
In ka badan 600 oo kun oo qaxooti ah ayaa ku noolaa xeryaha muddo ka badan 20 sanno,kuwaas oo badankooda ka tagay Soomaaliya
Muqdisho May 07, 2016  Wabiga Shabeelle oo ku fatahay gobolka Shabeelada Dhexe
Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in wabiga Shabeelle uu ku fatahay tuulooyin badan oo hoos yimada magaalada Jowhar.
Tuulooyinka uu ku fatahay wabiga ayaa la sheegay in badankood ay ku yaalaan Bariga magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.
Tuulada Baxayaxow ayaa la sheegay in uu sameeyn ku yeeshay dadka kunool fataahada webiga Shabeelle ,waxaana la sheegay in ay bilaabeen dadka halkaas kunool in ay barakacaan.
Maamulka degmada Jowhar iyo kan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa wadda dadaal xoogan oo wax looga qabanaayo fataahada Wabiga Shabeele .
Dadka ku nool deeganada uu maro wabiga Shabeele ayaa dhawaan ka cabanayay biyo la’aan xoogan kadib markii uu wabiga guray,balse imminka waxay ka cabanayan biyo badan iyo fatahaad uu wabiga sameynaayo.
Muqdisho May 07, 2016 Bam-gacmeed Lagu Tuuray Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Dowladda gudaha suuqa Bakaaraha iyo dhaawacyo ka dhashey
Inta la xaqiijiyay 2-askari iyo qof shacab ahaa ayaa ku dhaawacmay kadib markii Ciidamo ka Tirsan kuwa Booliska dowlada soomaliya qarax bambaano lagu tuuray xili ay marayeen nawaaxiga Masaajidka abuu-Hureyra ee Gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho
Dad ku sugnaa goobta oo falkaan ka dhacay ayaa idaacada simba u sheegay in ciidamada lagu tuuray bambada, isla markaana ay qasaaro soo gaareen dad shacab ahaa iyo 2-askari oo ka tirsanaa ciidamada dowlada soomaliya.
Dhanka kale ciidamo ka tirsan kuwa dowlada soomaliya rasaas ay fureen ayaa la sheegay in waxyeelo ay kasoo gaartay dad shacab ahaa oo ka ak dhawaa halka uu qaraxa bamka ka dhacay
Muqdisho May 07, 2016 Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in kulamada u haray baarlamaanka Soomaaliya aan la aqbali karin in lagu dhumiyo xildhibaanada oo aan soo xaadirin kulamada.
Gudoomiye Jawaari ayaa sheegay in xildhibaanada looga baahan yahay in ay muujiyaan Mas’uuliyad taas oo ku aadan in ay soo xaadiraan kulamada uga haray kalfadhigan.
Shalay ayaa kulan gaar ah oo looga hadli lahaa xilka qaadista lagu sameeyay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Ceydiid C/laahi Ilka-xanaf waxa uu ubaaqday Kooram la’aan kadib markii ay soo xaadiri waayeen tiradii looga baahnaa xildhibaanada in uu kulanka ku furmo.
Audio Player
Muqdisho May 07, 2016 Wasiirka Dhallinyarada iyo Sportiga ee dowladda  Maxamed C/laahi Xasan Ayaa sheegay in Xukuumadda ay ka go’an tahay sidii fursado shaqo loogu abuuri lahaa dhallinyarda Soomaaliyeed ee ku haqan gudaha dalka.
Maxamed C/laahi Xasan waxa uu xusay in dhallinyaradu ay yihiin laaf-dhabarka bulshada,sidaa daraadeedna ay lagama maarmaan tahay in la tixgeliyo baahiyaha kala duwan ee la xiriira horumarkooda,isagoo intaa ku daray in dowladda Soomaliyaay ku dhiiraneyso wanaajinta kaalintooda.
Wasiirka Dhallinyarada Dowladda,waxa uu caddeeyay in doorka Wasaradda uu yahay sidii dhallinyarada looga dhisi lahaa xagga mooralka,isla markaana loogu heli lahaa garoomo ay ku soo bandhigaan waxqabadkooda,wuxuuna uga digay dhibaatooyinka ka dhalan kara Tahriibya.
Wasiirka Dhallinyarada iyo Sportiga ee dowladda  Maxamed C/laahi Xasan,waxa uu ka dhawaajiyay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay door muuqda ku yeelan doonaan doorashooyinka dhacaya 2016-ka,isagoo kula dardaarmay in dhaqaalaha ku baxaya tahriibka ay ku maareeyaan naftooda.
London May 07, 2016 Sadiq Khan oo ka tirsan xisbiga shaqaalaha ayaa loo doortay duqa caasimadda London, waxaana uu jagadaasi hayn doonaa afarta sano ee soo socota.
Waxaa halkaasi ku soo afjarmay 8 sano oo xilka duqa London uu hayay xisbiga Muxaafidka.
Sadiq kama aanu mid ahayn musharraxiinta aadka loo hadal hayay, ee la saadaalinayay in ay jagadan ku guuleysan doonaan.
Waa Muslim-kii ugu horreeyay ee qabta xilka duqa London.
Sadiq oo 45 jir ah, ayaa ka mid ah 8 carruur ah oo ay dhaleen qoys kasoo guuray dalka Pakistan. Aabihii waxa uu ahaa darawal bas, hooyadiina waxa ay ka shaqeyn jirtay harqaan.
Waxa uu ku dadaali jiray sidii uu heer uga gaari lahaa noolasha. Waa garyaqaan ka baxay kuliyada sharciga ee Jaamacadda North London. Waxa uu leeyahay xaas iyo laba gabdhood.
Duqa London ayaa leh awoodo siyaasadeed oo ballaaran, waxaana dadka qaar ay su’aal gelinayaan in Mr Khan uu howshaasi kasoo bixi karo.
Balse waxa uu ku adkeysanayaa inuu matelayo dhammaan dadka London, isla markaana uu wax ka qaban doono sinnaan la’aanta.
Mudug May 07, 2016 Wararka naga soo gaaraya deegaanka Bali-Busle ee Barriga gobalka Mudug ayaa sheegaya in ay goor dhaw miyiga Bali-busle weerar ku soo qaadeen dad daganaa oo xoolo dhaqato ah Maleeshiyaad ka soo jeeda Galmudug, isla markaasna uu sababay weerarkaas dhimasho iyo dhaawac, sida ay xaqiijinayaan warar hadda laga helayo aagaas.
Weerarka ay maleeshiyadan qaadeen waxaa la xaqiijiyey in ay waxyeelo ka soo gaartay 4 qof, oo sadex kamid ah yihiin Caruur yar yar, sidaas oo kalena ay ku dhimatay qof dumar ah oo xiligaas la joogtay Caruurtan.
Dhaawaca ayaa warar kala gedisan ka soo baxayaan, iyadoo ay maleeshiyadaas hadda dib ugu laabteen dhinaca Galmudug oo ay ka soo gudbeen.
Deegaanka ay dhacdadan ka dhacay ayaa ah deegaan lagu magacaabo Laan-Qawar oo Koonfur Barriga ka xigta magaalada Bali-Busle.
Warar hadda soo baxay ayaa xaqiijinaya in Caruurta la dhaawacay & Hooyada dhimatayba ay ahaayeen Hal qoys, oo ay maleeshiyadan doonayeen in ay laayaan.
Xiligan oo habeen ka ah Soomaaliya ayaa laxaqiijiyey in ay ciidamada Amniga ee deegaanka Bali-Busle gaareen goobtii ay soo weerareen Maleeshiyadaas oo doonayey in ay dilaan rag aagaas joogay, balse ay ka badbaadeen weerarkaas.
Maamulka Gobalka Mudug oo aan la xariirnay waxay sheegeen in ay warkaas maqleen, balse aysan ilaa hadda waxba faahfaahin dheeri ah aheynin, balse ay ciidamadu deegaankaas gaareen oo ay amniga hadda sugayaan, baaritaanana wadaan.

WARARKA MAANTA MAY 06, 2016

Su’aasha Maanta: Ma ku sifoooway Madaxwyne Xassan Shiikh Maxamuud sharci-jabin, musuqmaasuq iyo khaa;inul waddanimo loo sujuudo dad bakhtiyey? Jawaabtu waa haa, oo Dowladda Damu-Jadiid waxay noqotay midii ugu musuqmaasuqa badan isla-markaasna mida ugu sii khaainul-waddanisan oo loo baahan yahay Golaha Shacabka inay deg deg wax uga qabtaan inta beesha caalamka aysan xoog kula wareegin hoggaanka dalka.

Garacad May 06, 2016 Wararka laga helayo Xeebta Degaanka Garacad oo hoostagta Degmada Jariiban ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaa lagu Arkay Sanduuqa Madow ee Keydsha Xogta Diyaaradaha oo ku soo Caariyay Xeebta Magaalada Garacad.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Dadka Degaanka ay Arkeen Sanduuqa oo Biyaha Badda ay soo tuftay,balse Xeebta yimid.

Dadka Arkay ayaa sheegaya in Midab ahaan uu Sanduuqa u Egyahay Sanduuqa Madow ee Xogta Diyaaradaha Keydsha oo inta badan markii ay Diyaaradu burburto laga helo Tilmaamo muuinaya Shilka Diyaaradda soo gaaray nuuca uu yahay islamarkaana Duuba Cod.

Hayeeshee wali ma jirto Cid Xaqiijin karta Sanduuqa ku soo caariyay Xeebta Magaalada Garacad ee Puntland.

Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa jooga Maraakiib Dagaal oo sheega in ay la dagaalamayaan Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida,balse waxaa lagu Eedeeyaa in ay Xaalufin u joogaan Dalka.

Muqdisho May 06, 2016 Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa Arbacadii ku dhawaaqay inuu xilkii ka fariisiyey Gudoomiyihii hore ee Maxkamada Sare, isagoona magacaabay Gudoomiye cusub.

Wuxuu sidoo kale Madaxweynaha xilka ka qaaday Guddoomiyaha Maxkamada Banaadir isagoo aan magacaabin ciddii beddeli lahayd.

Haddaba waxay doodi ka taagan tahay Awoodda uu adeegsaday Madaxweynaha iyo inuu xaq u leeyahay Dastuur ahaan xil ka qaadista Garsoorayaasha.

Sida ku cad dastuurka Federaalka Soomaaliya gaar ahaan farqadiisa 3aad, Garsoorka Soomaaliya waa mid madax bannaan kana mid ah sadexda awoodood ee dowlada.

Qodobka 3aad

Mabaadi’da Asaasiga
4. Dastuurka Soomaaliya wuxuu dhiirrigelinayaa xuquuqda aadanaha, talinta sharciga, shuruudaha guud ee xeerarka caalamiga ah, caddaaladda, xukuumad loo dhan yahay oo ku dhisan wadatashi, kala-soocidda awoodaha sharcidejinta, fulinta iyo garsoor madaxbanaan, iyagoo leh hannaan ku dhisan isla-xisaabtan iyo hufnaan ka jawaabaya danaha dadweynaha.

Sidoo kale Hay’adaha dowlada kama dul tilaabsan karaan waddada uu Dastuurka u jeexay iyo awoodda loo kala qeybiyey sida ku cad Qodobka 4aad ee Dastuurka.

Qodobka 4aad

Sarraynta Dastuurka
Shareecada ka sokow, Dastuurka Soomaaliya waa sharciga dalka ugu sarreeya, isaga ayeyna xukuumaddu u hoggaansamaysaa, wuxuuna hagayaa hal-abuurka iyo go’aannada siyaasadeed ee qaybaha dawladda oo dhan.

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka

Qodobaka 72aad ee Dastuurka wuxuu qeexayaa awoodda Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka. Waxaana ku xusan in Aqalkan uu yahay kan dhisaya Guddiga Adeega Garsoorka oo ah guddiga awoodda ulleh in ay xil ka qaadis ku sameyn karaan Garsoorayaasha iyo go’aanada la xiriira xil ka fariisinta xubin kamid ah isla guddigaasi.

Sidoo kale Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo aan weli la dhisin ayaa ah midka laga doonayo inuu ansixiyo Guddoomiyayaasha Maxkamada ee uu Madaxweynaha soo magacaabo.

Awooda Madaxweynaha

Qodobka 90aad ee Dastuurka oo ka hadlaya awoodda Madaxweynaha Federaalka ayaa si cad u qeexaya in awoodda Madaxweynaha ee dhanka Garsoorka ay ku kooban tahay oo kaliya:

Farqada 11aad. Wuxuu magacaabaa Gudoomiyaha Maxkamada Dastuuriga, Maxkamada Sare, iyo Garsooyayaasha kale Heer-Federaal, kadib soo jeedinta Guddiga Adeegga Garsoorka.

Farqada 17aad. In uu cafis u fidiyo ama ciqaab ka dhimo dembiilayaal marka uu ka talo-qaato Guddiga Adeega Garsoorka.

Sida ku cad halkan Madaxweynaha ayaa ah inuu mar walba go’aanadaasi kala tashado Guddiga Adeega Garsoorka oo aan isagu kaligiis go’aanka iska gaarin.

Guddiga Adeega Garsoorka

Haddaba Guddiga Adeega Garsoorka (The Judical Service Commission) intee buu ka kooban yahay? Guddigan la doonayo inuu ansixiyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa la doonayaa inuu ka koobnaado 9 (Sagaal) xubnood oo kala ah:

1-Gudoomiyaha Maxkamada Dastuuriga;

2- Gudoomiyaha Maxkamada Sare;

3- Xeer ilaaliyaha Guud;

4- Gudoomiyaha gudiga xuquuqda bini’aadanka;

5-6. Laba xubnood oo aqoon iyo waaya aragnimo uleh sharciga kana mid ah ururka Garyaqaanada Soomaaliya, oo uu soo magacaabo ururka Garyaqaanada mudo dhan afar (4) sano;

7,8 & 9- Golaha Wasiiraddu waxay Madaxweynaha usoo jeedinayaa 3 Qof oo sumcad ku leh bulshadda si uu u magacaabo;

Kadib marka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Ansixiyo Guddigan wuxuu dhexdiisa kadooranayaa Gudoomiye.

Xubnaha guddiga adeega garsoorka waxay shaqeynayaan mudo dhan afar (4) sano oo la cusbooneysiin karo hal xili.

Sharci ay meel mariyeen guddiga adeega garsoorka oo ku saabsan anshaxmarinta, ayaa qabanaya xubin kasta oo kamid ah guddiga adeega garsoorka. Sida sharci iyo xeer ay soo saareen gudiga adeega garsoorka, waxaa gudiga adeega garsoorka sameyn karaa:

  1. Magacaabis, anshax marin, baddalid xubin kasta oo kamid ah garsoorka heer federal;
    B. Go’aan kagaarid mushaarka iyo howl gabka;
    C. Go’aan kagaarida xaalada shaqo ee garsoorka.

Kala Diridii Guddiga Adeega Garsoorka

Xili Madaxweynaha Dowlada Federaalka uu ku dhawaaqay inuu yahay Murashax ayuu horaantii sanadkii lasoo dhaafay 11kii Maarso 2015, soo saaray Digareeto uu ku sheegayo inuu kala diray Guddigii Adeega Garsoorka ee horey u jiray markuu xilka qabanayey.

Arrintan ayaa waxaa sheegay inay Sharci darro tahay Guddoomiyaha Maxkamada Sare Caydiid Cabdullahi Ilkaxanaf iyo Golihii Adeega Garsoorka oo horey u jiray oo arrintan qoraal kasoo saaray taariikhdu markay ahayd 14kii Maarso 2015.

Golaha Adeega Garsoorka oo cuskanaya qodobada Dastuurka ee 105 & 106 ayaa sheegay in Madaxweynaha uusan awood ullahayn kala dirida Guddiga Garsoorka ama Garsoorayaasha taasina ay tahay mid u taal Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Hoos ka akhriso qoraalkii Guddiga Adeega Garsoorka

Sida ku cad Qodobka 105aad ee Dastuurka ee qeexaya AWOODDA GARSOORKA, wuxuu u qoron yahay sidatan:

Awoodda Garsoorka Jamhuuriyada Federaalka

  1. Awoodda Garsoorka waxaa u xil saran Maxkamadaha.
    2. Qaab dhismeedka garsoorka waxaa xeer gaar ah kasoo saaraya Baarlamaanka.

Waxaa arrintan kasii horeysay Magacaabistii Madaxweynaha Dowlada Federaalka uu magacaabay Xeer Illaaliyaha Dowlada taasi oo aan awood u siineyn inuu ku dhawaaqo haddii uusan ogolaansho ka heysan Guddiga Adeega Garsoorka.

Hadaba Madaxweynaha Dowlada Federaalka ayaa u muuqda inuu kala diridii guddiga Adeega Garsoorka iyo magacaabistii guddi uu isaga dhistay uu gebi ahaan la wareegay awooda AQALKA SARE ee Baarlamaanka Federaalka oo aan weli la dhisin.

Tilaabada Madaxweynaha ayaa ah mid u muuqata in looga sii hordhacayo Hawlihii ugu waaweynaa ee horyiilay Aqalka Sare ee Federaalka ee la doonayo in lagu soo dhiso doorashada soo socota, taasi oo saameyn kusii yeelan karta Doorashada 2020.

Waxaa taasi usii dheer Maadaama aysan Dowlada dhisin Maxkamadii Dastuurka oo ay Villa Soomaliya 4tii sano ee lasoo dhaafay dib u dhigaysay, ayaa keentay hawshaasi in ay sii hayso Maxkamada Sare oo ah tan la horgeyn doono wixii khilaaf ah oo ka dhasha doorashada soo socota ee sanadka (2016). Waxayna fursad dahabi ah u tahay Madaxweyne Xassan oo kamid murashaxiinta tartanka ku jira.

Maaha markii ugu horeysay oo uu Madaxweyne magacaabo Guddoomiyaha Maxkamada Sare. Madaxweynihii ka horeeyey ee Shiikh Shariif Axmed ayaa horey u magacaabay Guddoomiyaha hada Maxkamada Sare hayey ee Caydiid Ilkaxanaf. Balse magacaabistaasi maahayn mid iska timid ee waxaa la magacaabay Kadib markii sanadkii 2010 uu geeriyooday Gudoomiyihii hore ee Maxkamada Sare Maxamuud Cumar Faarax (Indhobuur).

Shuruudaha Xubnaha xilka loo magacaabo

Marka laga yimaado awoodda Baarlamaanka ee uu Madaxweynaha la wareegay, waxaa sidoo kale Dastuurka sheegayaa in xubnaha loo magacaabayo Garsoorka ay yihiin kuwo dhex dhexaad ah oo aan wax xariir siyaasadeed la laheyn hogaanka talada dalka haya. Waxaana su’aalo badan la iska weydiinayaa heerka ay gaarsiisan tahay aqoonta dhanka sharciga ee xubnaha Madaxweynaha soo xushay.

Arrintan ayaa ah mid iyadana meesha ka baxday, maadaama Madaxweynaha xubnaha uu u magacaabay Maxkamada Sare iyo waliba Xeer illaalinta guud ay yihiin xubno si weyn ay isugu dhaw yihiin kana mid ahaa xubnaha loo yaqaan Damul jadiid ee wax kusoo wada bartay dalka Sudan.

Dr. Ibraahim Iidle Suleymaan oo uu Madaxweynaha shalay u magacaabay Maxkamada Sare ayaa Jaamacada uga soo baxay dalka Sudan 1999kii, wuxuuna in muddo ah soo hayey Garyaqaanka guud ee maamulka Somaliland ee sheegay inuu ka goostay Soomaaliya.

Baarlamaanka Federaalka (Golaha Shacabka)

Golaha Shacabka oo isagu hada isku haya labada awoodood ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ayaa waxaa xiligan ka dhex taagan dood xoogan oo ku aadan nidaamka Doorashada 2016, waxaana muuqata in Madaxweynaha xiligan uga faa’iideystay fursadan inuu ku tilaabsado go’aanka uu ku faro geliyey Garsoorka, iyadoo Baarlamaanka kalfadhigiisan yahay kii ugu danbeeyey oo la filayo inuusan dood horleh ka yeelan doonin arrimaha soo kordhay.

Xildhibaanada Federaalka oo ay shalay kadis ku noqotay qaabkan farsameysan ee uu Madaxweynaha awooda Garsoorka kula wareegay ayaa ka codsaday guddoomiyaha Baarlamaanka in arrintan looga hadlo dooda hada ka socoto Baarlamaanka, waxaana shalay dib loo dhigay kulankii lagu waday in lagu soo afjaro dooda nidaamka Doorashada 2016 oo laga doonayo golaha inuu ansixiyo.

Muqdisho May 06, 2016 Iyadoo ay jirtay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ay Tuulooyin hoostaga Deegaanka Ruun-nirgood kala Wareegeen Al Shabaan ayaa Arrintaas waxaa ka hadlay Taliska Ciidanka Malatariga Soomaaliya.

Amaanduulaha Ciidanka Malatariga Soomaaliya Cali Xaaji Cumar Maxamed ayaa waxaa uu sheegay in u jeedka Howlgalka loo-qaaday ay tahay sidii la iskugu furi lahaa Xuduudka ay wadaagaan Gobollada Sh/Dhexe iyo Galgaduud oo mudo dheer kala Xirnaa.

Cali Xaaji Cumar ayaa tilmaamay in Meelaha ay Qabsadaan Ciidanka Xooga kana saaraan Al Shabaab aysan dhaceyn inay dib uga soo laabtaan.

Deegaanadaan hada la wareegen Ciidanka Soomaaliya ayaaa waxaa ku dhawaad mudo 9 Sano ah ay  Maamulayey Al Shabaab waxaana lagu soo waramayaa in Deegaanadaas ka maqan yihiin wax yaabihii muhiimka u ahaa Nolosha Dadka.

Jowhar May 06, 2016 Ergooyinka ka qeyb galaya shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa waxay ka hadleen halka uu marayo shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe,kaasi oo ka socdo magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh.dhexe.

Ergooyinka ayaa isku raacay ineysan ku qanacsaneyn hanaanka uu shirka u socdo,islamarkaana hormuudka ay ka tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya,waxayna ku baaqeen in sidan wax laga badalo.

Shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa Jowhar ka socda mudo ku siman afar bilood oo wax natiijo ah laga gaarin.

Jowhar May 06, 2016 Wararka naga soo gaaraya Bosaso ayaa sheegaya in Wasiirkii Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab dhaawac soo gaarey kadib markii ay rasaas is weydaarsadeen ilaalada taliyaha ciidanka Birmadka Col. Afdalow iyo ilaalada taliyaha ciidanka Booliska Puntland Gen. Afuguduud.

Hargaysa May 06, 2016 Maamulka Somaliland OO Ka Hadlay Masuul Hore Ugu Tirsanaa Somaliland OO Ay Dowladda Soomaaliya Xil U Magacaabtay xilkaas oo sharciyan aysan xaq u lahayn inuu Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud cayriyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Caydiid Ilka-Xanaf taasoo aan waafaqsanayn dastuurka dalka.

Dowladda khaatumo State May 06, 2016 Abdifataax Cali Cawil Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Buuhoodle oo Warbaahinta la hadlaya ayaa ka Hadlay Xaalada Guud ee Nabad Galiyada Buuhoodle ee Xiligani iyo Roobabkii Guga oo Guud ahaan Siwayn uga Da,aya Gobolka Cayn Xiligan.https://www.youtube.com/watch?v=CgH7qPrvQW0

Garoowe May 06, 201 6 Maamulka Puntland ayaa war qoraal ah kasoo saaray arimaha doorashooyinka iyo shirka arimaha dastuurka oos ida balanta tahay bishaan ka dhacaya magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

Hoos ka ka akhriso qoraalka Puntland.

WARARKA MAANTA MAY 05, 2016

Today’s Question: Is Somalia’s Damu-Jidid President H.E. Hassan Sheikh Mohamud above the Federal Constitution? How many times he violated the Federal Constitution? The Answer is many times!

Su’aasha Maanta: Ma Dastuurka dalka ayuu Madaxweyne Xassan Shiikh Mxaxamuud ka sareeyaa? Meeqo jeer ayuu asagu ku xadbudbay Dastuurka Dalka? Jawaabtu waa in badan!

Muqdisho May 05, 2016 Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan deg deg ah ka yeelanaya go’aanka madaxweynaha Soomaaliya uu xilka kaga qaaday Gudoomiyihii Maxkamada Sare ee dalka Abuukaate Caydiid Ilka Xanaf oo sharci darro ah taasoo uu Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud wax awood ah u lahayn inuu xilka ka qaado Guddoomiyaha Maxkamadda Sare marka waxay awoodiisa tahay oo kaliya inuu magaabo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare sida ku cad dastuurka dalka marka waxaa Soomaalida iyo bulshadda caalamka la isweydiinayaa sharci-darrada uu ku dhaqaaqay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xassan Shiikh Maxamuud oo ay albaabka ku soo xirteen Kooxda Damuu-Jadiid ee la shaqaysata aragigixida iyo dowladdaha fowdada ku haya jiritaanka Ummadda Soomaaliyeed deris iyo dibaddaba.

Kulankaan ayaa waxaa dalbaday qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya kuwaasi oo ka soo horjeeda Go’aankaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xilka gudoomiyaha Maxakamada Sare u magacaabay Dr. Ibraahim Iidle Sulaymaan oo horay u ahaa garyaqaanka guud ee Soomaaliland.

Qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa u arka in madaxweynaha uu doonayo in arintaan uu ku sii xoogeesto dadaalada uu ku doonayo inuu mar kale kursiga ku soo laabto.

Wararka qaar ayaa sheegaya inay jiraan xildhibaano Mooshin diyaariyay oo doonaya inay arinkaan ka soo horjeestaan oo xil kaqaadistaan aysan nodon mid shirci ah ama dhaqan gasha.

Dastuurka dalka ayaa dhigaya in madaxweynaha uu xaq u leeyahay inuu oo magacaabo gudoomiyaha maxakamada Sare ee dalka.

Muqdisho May 05, 2016 Madax-weynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalacsiiyay guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sidda  G/Sare Liibaan Cali Yarow.

Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa darajada guddoomiyaha loo dalacsiiyay General. Waxaana hadda kadib loogu yeeri doonaa General Liibaan Cali Yarow – beddelkii loogu yeeri jiray gaashaanle sare.

Sidoo kale, Maaxweynaha ayaa dalacsiiyay guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida G/Dhexe Xasan Cali Nuur Shuute – waxaana darajadiisa loo dalacsiiyay gaashaanle sare xilli uu horay u ahaa gaashaanle dhexe.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa labada nin ee ugu sarreysa maxkamadda ciidamada qalabka sidda ku ammaanay inay dardar-geliyeen hawlaha shaqo ee maxkamadda.

Maxkamadda ciidamada qalabka sidda ee Soomaaliya ayaa inta badan qaadda kiisaska cul-culus ee ku aadan askarta iyo ragga loo haysto falalka al-Shabaabnimo.

Maxkamadda ayaa horay xukunno dil ah ugu fulisay askar ka kala tirsanaa ciidamada booliska, nabad-suggida iyo militariga Soomaaliya iyo rag kale oo lala xiriirinaayo ururka al-Shabaab.

Dalacsiinta labadan xubnood ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyada oo  madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu xilkii ka xayuubiyay guddoomiyihii maxkamadda sare ee dalka abukaate Ceydiid C/laahi Ilka Xanaf.

Galmudug May 05, 2016 Sheikh Muxudiin Yuusuf Bare oo kamid ah Culimada gobolka Mudug ayaa sheegay in is-baarooyinkii yiillay inta u dhaxeysa Galkacyo iyo Gelinsoor ay dhibaato weyn ku hayeen shacabka Muslimiinta ah ee isaga kala goosha  deegaannada Galmudug- waxaana uu xusay in cid walba oo is-baariiste gacan siisa  uu marayo wixii xaga Rabbi uu ka shaqaystay.

Audio Player

Muqdisho May 05, 2016 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay magacaabistii shalay uu gudoomiayaha cusub ee Maxkamadda Sare ee dalka uu u magacaabay Ibraahim Iidle Suleymaan oo horey u ahaa Garyaqaanka Guud ee maamulka Soomaaliland, iyadoo madaxweynaha uu xilkaasi ka qaaday gudoomiyhii hore ee Maxkamadda Sare ee dalka Ceydiid Ilka-xanaf. Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay yaraan doonto cabashooyinkii ay soo gudbin jireen shacabka maadaama la magacaabay gudoomiye cusub.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faray dhamaan hey’dahaha dowladda in ay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee Maxakmadda sare.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiira-geliyey gudoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan, isagoo u ballan qaaday in dhamaan hey’adaha dowladda ay kala shaqeyn doonaa howlaha loo egmaday.

Nairobi May 05, 2016 Siyaasi-ga weyn ee Cali Maxamed “Cali Daacun” oo waraysi xiiso badan siiyay madasha 60 ayaa ka hadlay arrimo badan oo ka tagan gudaha Soomaaliya. Siyaasi-ga weyn ee Cali Maxamed “Cali Daacun” oo horay iskaga soo tuuray dabaqa seddexaad ee Hotel Sirikwa kaasoo ku yaala magaalada Eldoret asagoo markaas ka caraysnaa in kursi siyaasaddeed laga siiyo xubnihii ka qaybgelay shirkii dib-u heshiisiinta. https://www.youtube.com/watch?v=HboMG3d3CI0

Turkey May 05, 2016-Xisbiga ka taliya Turkiga ee AK Party ayaa la filayaa inay Shir aan caadi ah ka yeeshaan arrintaasi toddobaadyadda soo socda, si loo beddelo Ra’isul-wasaare Axmed Dafudoglu.

Shan Sarkaal oo ka tirsan Xisbigaasi ayaa u xaqiijiyey Wakaalladda Wararka REUTERS inuu jiro qorshahaasi, iyadoo ay xiisado ammaan-xumo ku soo kordheen dalkaasi.

Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan iyo Ra’isul-wasaaraha ayaa la sheegay inay ka dhex jirto Xiisad Siyaasadeed, waxaana sii kordhayo Dareenka ay dadka ka qabaan Labadaasi Hoggaamiye.

Labada Hoggaamiye waxay yeesheen kulan socday ilaa 2 saac iyo bar, balse waxay xal ka gaari waayeen Khilaafkooda.

Madaxweyne Erdogan ayaa qorsheynaya inuu Barlamaanka kala diro, isagoo doonaya inuu Gole Madaxtooyo lagu maamulo dalkaasi.

Xisbiga AK Party waxa uu dalka Turkiga hoggaaminayey tan iyo sannadkii 2002-dii.

Muqdisho May 05, 2016-Iyadoo maali nimadii shalay aheyd uu Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud xil ka qadis ku sameeyay Gudoomiyihii Maxkamadda Sare Dalka, Abukaate Caydiid C/laahi Ilka Xanaf, ayaa waxaa xil ka qaadistaasi ka hadlay Ilka Xanaf. Ilka Xanaf, waxa uu sheegay in xil ka qaadistiisa loo maray wado khaldan islamarkaana uusan waxba ka ogeyn.

Isaga oo la hadlaayay VOA -da ayuu waxa uu Ilka-xanaf sheegay inay tahay ayaan darro, waxa uuna ka gaabsaday in faahfaahino dheeraad ah uu ka bixiyo xil ka qaadistiisa, marka laga soo taggo inaanan lagu soo wargelin.

Ilka-xanaf waxa uu tilmaamay in sharci ahaan ay xilka ka qaadi karaan kaliya Guddiga Adeega Garsoorka, marka ay si buuxdo u soo dhisto Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, iyadoo sida uu xilligaa ka dhawaajiyay aanay jirin cid kale oo xilkaasi ka qaadi karta.

Sidoo kale, waxa uu cadeeyay in talaabo waliba ay DFS u marto qaab sharci darro ah, isaga oo farta ku fiiqa in Somalia ay u baahan tahay in waxbadan laga ogaado Siyaasadeeda.

Dhanka kale, Ilka-xanaf ayaa xil ka qaadistiisa loo cuskaday da’diisa oo ka wayn 65 sano, musuq maasuq iyo cadaalad darro uu ku sameeyay kiisaskii uu qaaday.

Muqdisho May 05, 2016 Yuusuf Indha Cadde Wasiiru Dowlihii hore ee Wasaarada Gaashaandhiga Dowladaii KMG, ayaa ka hadlay wararka sheegaya in Dowlada Britain ay Ciidamo usoo dirtay Soomaaliya si ay u caawiyaan Ciidamada AMISOM ee ka howlgala magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka qaar.

Gen.Yuusuf Indha Cadde, ayaa sheegay in xasilooni darida ka taagan Soomaaliya aysan waxba ka bedeli karin Ciidamada ka socda Britain ee iminka soo gaaray magaalada Muqdisho, waxa uuna dhaliilay dadaalada Soomaaliya ay ku kordhineyso Ciidamada shisheeye xili ay dayacan yihiin kuwa dalka.

Gen.Yuusuf Indha Cadde, waxa uu tilmaamay in amaanka Soomaaliya uu yahay mid ku jira taabagalinta Ciidamada Dowlada kuwaasi oo uu sheegay inay yihiin kuwo hanakara amaanka iyo xasiloonida Soomaaliya.

”Aniga waxaan qabaa in 10 Askari iyo 70 dheeriga ah ee Britain usoo wado Soomaaliya inaysan hanakarin amaanka, waayo dagaal iyo howlgal waxa ay u baahan tahay Ciidamo kala yaqaan goobta lagu dagaalamaayo misna lagu howlgalaayo”

”Dagaalka ka socda Gobolada dalka waxaa ku filan Ciidamada Dowlada oo dhan waliba laga taakuleeyo, sidaa aawgeed anigu maqabo in shisheeye uu dhiigiisa u huraayo dal aan dalkiisa aheyn”

Gen.Yuusuf Indha Cadde, waxa uu sheegay in Dowladaha shisheeye xiligaani looga baahan yahay kaliya inay xoojiyaan Ciidamada Dowlada si ay u hantaan amaanka iyo xasiloonida Soomaaliya, gaar ahaan goobaha ay ku xoogan yihiin maleeshiyaadka Al-shabaab.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Nimankaan Amisom waa Ajaaniib dalka ma yaqaanaan, marka waxaan isleeyahay magaalooyinkii waa ay ka saareen Al-shabaab, in ciidamada Soomaaliya la tayeeyo oo duurka uga dabagalaan nimankaan lana caawiyo ciidamada Soomaaliya ayaa isleeyahay Al-shabaab waa looga adkaan karaa, waxaan isleeyahay Amisom inta duurka gasho kama adkaan karto Al-shabaab”.

Geesta kale, Gen.Yuusuf Indha Cadde, ayaa DFS ugu baaqay inay iska diidaan Ciidamada lagu soo guraayo dalka ee aan ku filneyn dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Yuusuf Indha Cadde Wasiiru Dowlihii hore ee Wasaarada Gaashaandhiga Dowladaii KMG, ayaa ka hadlay wararka sheegaya in Dowlada Britain ay Ciidamo usoo dirtay Soomaaliya si ay u caawiyaan Ciidamada AMISOM ee ka howlgala magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka qaar.

Gen.Yuusuf Indha Cadde, ayaa sheegay in xasilooni darida ka taagan Soomaaliya aysan waxba ka bedeli karin Ciidamada ka socda Britain ee iminka soo gaaray magaalada Muqdisho, waxa uuna dhaliilay dadaalada DFS ay ku kordhineyso Ciidamada shisheeye xili ay dayacan yihiin kuwa dalka.

Geesta kale, Gen.Yuusuf Indha Cadde, ayaa DFS ugu baaqay inay iska diidaan Ciidamada lagu soo guraayo dalka ee aan ku filneyn dagaalka lagula jiro Al-shabaab

Kismayo May 05, 2016 Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Tirro Madaafiic ah lagu garaacay Garoonka Diyaaradaha Magaaladaasi.

Dhawaqa Xoogan ee Madaafiicda ayaa laga maqlayey Nawaaxiga Madaarka Kismaayo kaas oo la soo sheegayo in Hareeraha ay ku dhaceen Madaafiic lagu ganay Garoonka.

Saraakiil katirsan Maamulka Jubba oo aan la xiriirnaya ayaa inoo suura gelin in ay ka jawaabaan telefoonada warqaad balse Dad deegaanka oo nala hadlay ayaa inoo sheegay in ay maqlayeen daryanka madaafiicda & Jug culus.

Al-Shabaab ayaa baraha internetka waxaa ay ku soo daabaceen in Madaafiicda ay gesteen khasaaro isugu jira dhimasho & dhaawac inkastoo warkaas xaqiiqadiisa aanan hayen.

Muqdisho May 05, 2016 Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Beesha Caalamka ay yihiin qaswadayaal faraha kula jira masiirka dalka , waxaana uu shaaca ka qaaday in ciddii ka hortimaada Beesha Caalamka xil ka qaadis lagu sameynayo, islamarkaana waxa ay danahooda ku hoggaamiyaan masuuliyiinta dowladda sida uu yiri Jeesow.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa hoosta ka xariiqay in qodobadii ka soo baxay shirkii madasha wadatashiga Qaran ay yihiin kuwa laga soo min guuriyay beesha Caalamka oo ana hayan talo Soomaali, sidaas daraadeed ay  inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka ka soo horjeedaan.

Jeesow ayaa dhinaca kale ka dalbaday Qaramada Midoobay in ay Soomaaliya ka qaado Cunaqab

Muqdisho May 05, 2016 Dawladda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa lagu eedeeyaa inta badan Musuqmaasuq baahsan, kuwaas oo dhibaatada ugu badan ay tahay lacagaha lasiiyo oo la musuqmaasuqa, isla markaasna ay walaac badan marar badan ka muujiyeen Bulshada Caalamka ee Soomaaliya.

Wasaaradda Dastuurka ayaa lagu helay Hadda Catooyo xoolo dadweyne, waxaana banaanka u soo baxay in la lunsaday Dhaqaalihii loog talo-galey Dibu eegista Dastuurka dawadda Faderaalka ee Soomaaliya

Wasaaradda ayaa Qandaraas uga qaadatay Hay’adda Horumarinta Barnaamijyada ee UNDP in Dastuurka KMG ah la gaarsiiyo Gobollada Dalka, kuna qaadatay mashruuc weyn oo hanti badan lagu siiyay ayaa ku fashilantay,wasiirka Dastuurka xukuumada Soomaaliya Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen la sheegay inuu ku takri falay lacagtii loogu talogalay baahinta Dastuurka.

Qorshaha baahinta Dastuurka

Qorshahan ayaa ujeedkiisu ahaa in ilaa shan magaalo oo ka mida Dalka lagu qabato doodo ku saabsan Dastuurka KMG ah, iyadoo shir waliba loo qoondeeyay inay ka qeyb galaan qeybaha bulshada iyo maamulada dalka oo laga talo gelinayo wax bedelka Dastuurka.

Sida mashruuca UNDP kharashkiisa bixisay sheegayo waxaa shir kasta loo qoondeeyay lacag dhan ku dhow 100,000$. Wasiir Xuseen Badni ayaa qabtay ilaa iyo imink shir ka dhacay magaalada Baydhaba, waxayna dadkii qabanqaabiyay shirka u sheegeen Goobjooge.com in shirka oo dhami ay ku baxday lacag ka yar 20,000$, iyadoo shan meelood afar, lacagtii shirkaasi ay jeebka u gashay Wasiirka iyo kaaliyihiisa ay heshiiska ku yihiin oo ah agaasimaha Wasaaradda Maxamed Abuukar Zubeyr.

Shirkii labaad ee Muqdisho ka dhacay oo shalay uun la soo gabagabeeyay, isagoo socday intii u dhaxeysay 24-25 April 2016. ayaa isna la sheegay in kharash aan ka badneyn kii Baydhaba lagu bixiyay.

Shaqaalaha wasaaradda Dastuurka oo ka mida kuwa ugu shaqada badan xilligan kala guurka ah ayaa qaba dhibaato ka badan tan heysata shaqaalaha kale ee dowladda, waxayna rajo badan ka qabeen mashruuca UNDP ee baahinta Dastuurka oo laga shaqaaleysiiyay 16 qof, laakiin waxaa nasiib darro noqotay inaysan muddo saddex bilood ah shaqaalaha cusubi helin wax mushaar ah.

Waxaa kaloo la yaab leh in shaqaalaha la duudsiiyay Gaari talogalay inuu shaqada geeyo mashruuca kiradiisa laga bixinayo mashruuca ay lacagtiisa bixisay UNDP, laakiin shaqaalaha ayaan helin wax gaadiid raac ah, isla markaana laga leexsaday lacagtii loogu talogalay in gaari loogu kireeyo.

Shaqaalaha mushaar la’aanta iyo gaadiid xumida ku dhacday ee Wasaaradda Dastuurka ayaa ka war helay in Wasiir Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen iyo Agaasime Maxamed Abuukar Zuberyr uu mid waliba iibsaday Gaari cusub. Wasiirka ayaa iibsaday gaariga Toyota HILUX oo ah gaariga madaxda la ilaaliyo ku socdaan, halka Agaasime Zubeyr uu isna iibsaday gaari weyn oo nooca raaxada ah.

FADEEXDDA OO GAARTAY MAS’UULIYIINTA SARE EE DOWLADDA

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo ay isku heyb yihiin, si aad ahna ula socday arrimaha Dastuurka ayaa aad ua carooday hab-dhaqanka Wasiirka Dastuurka, waxaana arrintan ka wadahadlay madaxda Sare ee dowladda oo la gaarsiiyay warbixinta mashruuca uu hantidiisa uu lunsaday wasiirka Dastuurka iyo agaasimihiisa, oo kaliya kharash baxay iyo qoraalo (reports) u gudbiya hay’adda UNDP, iyadoo la sugayo tallaabada xigta ee la qaadi doono.

HANTI DHOWRKA OO SOO DHEX GALAY ARRINTAN

Xubno ka socda Hanti dhowrka Qaranka ayaa maanta tegay xarunta Wasaaradda Dastuurka ee magaalada Muqdisho iyagoo xiray wasaaradda isla markaana baaritaan lama Ölaan ah ku bilaabay markii ay ku amreen shaqaalaha wasaaradda inay dibadda ka joogaan wasaaradda inta uu baaritaanka ku socdo.

Baaritaankan xilliga xasaasiga ah yimid oo uu hogaaminayo hanti dhowraha guud ee Qaranka Nuur Faarax ayaan la ogeyn cidda gadaal ka riixeysa, waxaana wasiirka uu hadda dareemayaan xaalad adag oo soo wajahday wasaaradiisa oo ku dhex jirta fadeexad hanti lunsi, taasoo ay ka war heleen, hay’adaha dowladda iyo Hay’adda UNDP ee kharashka bixisay oo hadda joojisay qarashaadkii harsanaa oo dhan.

MAANTA MAY 04, 2016

Muqdisho May 04, 2016  Madaxweynaha oo xil ka qaadis ku sameeyey Guddoomiyihii Maxkamadda Sare Ceydiid Cabdullaahi Ilkaxanaf iyo Guddoomiyihii Maxkamadda Racfaanka Gobolka Benaadir Xasan Cali Wariiri.

Hoos ka aqriso xeerka madaxweynaha ee uu xilka kaga qaaday.

XIL-KA FARIISIN IYO MAGACAABIDA
GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE

MADAXWEYNAHA J. F. S.

MARKUU ARKAY: Qodobbada 4aad iyo 87aad, 116aad, 108aad iyo 139aad ee Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah;

MARKUU ARKAY: Qodobbada 5aad, 16aad, 23aad iyo 31aad, ee Sharciga Nidaamka Garsoorka lambar 3 ee soo baxday 12 Juunyo 1962;

MARKUU ARKAY: Qodobka 21aad ee Sharciga Nidaamka Garsoorka lambar 3, soona baxay 12 Juunyo 1962; si cadna u qeexayo in magacaabid khaas ah lagu magacaabi karo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare;

MARKUU ARKAY: Bedalidii Sharciga Nidaamka Xukuumadda Sharci lambar 14 /1962 ee ku soo baxay Qodobka 7aad ee Sharci lambar 1 ee soo baxay 3 Febaraayo 1965

MARKUU ARKAY: Xeer Madaxweynaha Lambar 8 ee 11/03/2015, kuna saabsanaa kala dirista Golaha Adeega Garsoorka xilka hayey muddadii ku-meel gaarka si wafaqsaneyn Dastuurka Kumeel gaarka ah;

MARKUU ARKAY: Shuruudaha Magacaabista ee ku xusan Qod. 8aad Sharciga Dhisidda Golaha Adeegga Garsoorka ee ku soo baxay faafinta rasmiga 30 Juun 2014;

MARKUU TIXGELIYAY: Cabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee la xiriirta Garsoorka iyo caddaalad darrada baahsan ee ka jirta hay’adaha Garsoorka, ayna lagama maarmaan tahay in wax laga qabto;

MARKUU GAROWSADAY: In xilkaasi uusan sharcigu oggoleyn in Qof da’diisu ka badan tahay 65 sano uu hayo;

MARKUU GAROWSADAY: Iney dhammaatay muddadii sharcigu oggolaa in xilalkaa ay hayn karaan Guddoomiyaha iyo Garsooreyaasha Maxkamaddaha Sare iyo Racfaanka,

MARKUU GAROWSADAY: Inuu sharcigu farayo in shaqada laga fariisiyo, Garsooreyaasha da’doodu dhaafsiisan tahay 65 Sano, maadaama ay iskood uga fariisan waayeen.

MARKUU XAQIIQSADAY: Jiritaanka khaladaad sharci oo xad dhaaf ah, ayna ku sifoobeen ku tumashada sharciga, lagama maarmaana tahay in la saxo;

MARKUU TIXGELIYEY: Cabashada Garsooreyaasha, howl-wadeenada Garsoorka, Xirfadlayaasha sharciga iyo mida dadweynaha;

MARKUU TIXGELIYEY: In xil gudashada Maxkamadaha Dalka, looga baahan yahay hawl-karnimo, daacad iyo hufnaan, iyo in xil haynta Garsooreyaasha Sare ay waafaqsan tahay sharciga iyo dhowrista Mabaadi’da Cadaaladda;

MARKUU TIXGELIYEY: In ay lagama maarmaan tahay in xilalka loo magacaabo Garsooreyaal xag da’a iyo aqoon ahaanba u qalma si waafaqsan sharciga, lehna hawl-karnimo wax ku ool ah oo lagu saxo cabashooyinka caddaalad darrada joogtada ah ee ka imaaneysa Muwaadiniinta Soomaaliyeed;

WUXUU XEERIYEY

Qod. 1aad

  1. Laga billaabo taariikhda uu Madaxweynaha Saxiixo Xeerkaan, waxaa laga fariisiyay shaqadii garsoor:
  2. Guddoomiyihii Maxkamadda Sare Ceydiid Cabdullaahi Ilkaxanaf oo 81 jir ah;
  3. Guddoomiyihii Maxkamadda Racfaanka Gobolka Benaadir Xasan Maxamed Cali oo 73 jir ah;
  4. Waxaana loo magacaabay xilka Guddomiyaha Maxkamadda Sare
    Dr. Ibraahim Iidle Suleymaan

3 Xilka Bannaan ee Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Benaadir, waxaa si ku meel gaar ah u sii haynaya Garsooraha ugu darajada Sareeya oo sharci ahaan xilkaas qaban kara, ilaa laga macaabayo Guddoomiyanimada Maxkamadda Racfaanka Gobolka Benaadir;

  1. Dhaqan gelinta howlgabka sharciga ah ee khuseeya garsoorayaasha gaaray da’da howlgabka sharciga ah waxaa fulinaaya Gudoomiyaha Maxkamadda sare si waafaqsan shuruucda Dalka u degsan

Qod. 2aad

Xukuumadda iyo Golaha Shacabka waxaa la faraayaa iney si deg deg ah u dhameystiraan Dhismaha Golaha Adeega Garsoorka, lana waafajiyo Dastuurka Ku Meel Gaarka ah iyo Sharciga Dhismaha Golaha Adeega Garsoorka;

Qod. 3aad

Xeerkaan wuxuu dhaqan gelayaa marka uu Madaxweynuhu Saxiixo, waxaana lagu soo saarayaa Faafinta Rasmiga ah.

Muqdisho May 04, 2016 Gabay looga sheekaynaayaa dhaqanka iyo beenta Madaxweynaha Maxbuuska ku ah Villa Somalia Mudane Xassan Shiikh Maxamuud oo muddo 4 sanno ah ka beerdareeyey Ummadda Soomaaliyeed hadaba nala dhegayste hee gabaygan;— Haddii aad khaladay xoriyadda Soomaaliya maalintii ay qaadatay oo hayd Luulyo 1, 1860kii waxaa hubaal ah inay daacad kaa tahay sida aad mayka ugu sujuuday iyo siyaasadda qaldan ee aad waddanka ku hoggaaminaysay oo wakhtigaaga ku egyahay Agoosto, 2016. Wixii ka dembeeya waxay Ummadda Soomaaliyeed dooran doontaa Madaxweyne cusub oo duliga ka bixiya Soomaaliya Mudane Madaxweyne Xassan Aw-Garuurte.

https://www.youtube.com/watch?v=TOjrZG37rjw&feature=youtu.be&a

Muqdisho May 04, 2016 Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay ka dalbadeen in Ra’iisul Wasaaraha oo aan ka qeyb galeynin kulanka Golaha shacabka ay iyagu ka doodaan heshiiskii dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada si go’aan looga  gaaro heshiiskaas maadaama waqtiga uu yahay mid gabaabsi ah.

Hadalkaan ayuu sheegay Guddoomiyaha Baarlamaanka iyadoo mar kale la filayay in Baarlamaanka uu hortago Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid  Cali Sharmarke si Xildhibaanada uu ugala niqaasho heshiiska oo uu ka dalbaday in ay meel mariyaan

Golaha Xidhinbaanadda Soomaaliya oo heshiiskii Dowladda Soomaaliya iyo maamul gobaleedyadda ku tilmaamay mid aan sharciga waafaqsanayn ayagoo waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskaag. Xildhibaanada qaar ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca  ka qaaday in heshiiska Golaha Baarlamaanka la horgeeyay uu yahay mid qabyo ah oo uusan ku cadeen waqtiyada loo kala asteeyay doorashooyinka Baalamaaniga ah iyo mida madaxtinimo ee dalka sidaas daraadeed loo baahan yahay in heshiiskaas dib loogu noqdo si  loo soo cadeeyo.

Maalinta beri ah ayaa la filayaa in ay halkeeda ay ka sii socoto ka doodista ajandaha Heshiiska Higsiga 2016 ee uu dhawaan Baarlamaanka horgeeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya.

Shabeelle Dhexe May 04, 2015 Iyadoo Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ay sheegeen in Degaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha dhexe ay ku burburiyeen Saldhig Kooxda Daacish ay ku laheyd halkaa ayaa waxaa ka hadlay Maamulka Koofur Galbeed.

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Maamulka Koofur Galbeed Cali C/llaahi Isxaaq ayaa sheegay in aysan jirin wax Saldhig ah oo Daacish ay ku leedahay Degaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose,balse Al-shabaab ay dagan yihiin.

Cali C/llaahi Isxaaq ayaa Xusay in Koofur Galbeed ay la socoto in Shabaab ay halkaa joogaan balse waxaa uu beeniyay habayaraatee in Koox ka tirsan Daacish ay Xarun ku leedahay Degaanka Janaale.

Janaale ayaa hadda waxaa ku sugan Al-shabaab,iyadoo Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay dhowr jeer Degaankas tageen kana soo baxeen.

Nairobi May 04, 2016 War saxaafadeed kasoo baxay booliiska dalka Kenya ayaa lagu sheegay in kooxda Daacish ay qorshaynayaan inay Qaadaan weerar la mid ah Kii lagu qaaday suuqa weyn ee Westgate Mall ee magaalada Nairobi sanandkii 2013-kii.

Warka kasoo baxay Booliiska Dalka Kenya ayaa lagu muujay in ciidamada howlgallo ay sammeeyeen todobaadyadii la soo dhaafay lagu qabtay Maxamed Cabdi Cali oo warbixintu ay xustay in uu ahaa arday waxbarasho ku yiray balse lagu tuhmayo in uu ku howlanaa Marin habaabinta iyo in uu Xagjirnimo ku boorriyo ardayda Jaamacaadaha dalka kenya wax kabarta.

Booliisku waxay sheegeen in kooxdan ay qorshaynayeen inay weerar loo adeegsadao sunta anthrax ay ka gaystaan gudaha Kenya.

Booliska Kenya ayaa Maxamed Cadi ku Eedeeyay in uu xiriir la leeyahay shabakad fududaysa sidii dhalinyarada Kenya ay uga tagi lahaayeen dalkaasi islamarahaantana ay ugu biiri lahaayeen kooxaha Argagixisada ee ka dagaallama Siria iyo Libia.

Sidoo kale Cidamada Ammaanka Dalkaasi ayaa Qabtay Nuseiba Mohammed Haji oo ah Xaaska Maxamed Cabdi iyo Haweeney Kale oo lagu magacaabo Fatuma Mohammed Hansh, sidoo kalana la baadi goobayo laba qof oo kale oo magacyadooda lagu kala sheegay Axmed Hish iyo Farah Daqane, kuwaas baxsaday intii howlgalka lagu guda jiray.

Booliska Kenya ayaa u ballan qaadday Cidii Keenta warbixinta Dhaqane iyo Axmed lacag dhan 2 million Kenyan shillings OO u Dhigmeysa ( $20,000)

Khaatumo State May 04, 2016 Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Khaatumo DAli Khaliif Galaydh oo uu ka mid yahay Gudoomiyaha Barlamaanka, Wasiirka Arimaha gudaha, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Aminiga, Wasiirka Madaxtooyada iyo Xildhibaano iyo xubno kale oo fara badan ayaa maanta gaadhay Deegaanka Balicad oo hore u ahayd xarunta maamulka, modo koobana lagaga xoreeyey maleeshiyaadkii SNM.

Madaxweynaha ayaa halkaas tababar ugu soo xidhay kuna qarameeyey cutub ka mid ah ciidamada Khaatumo oo dhawaanahan lagu carbinayey Balicad.

Ciidankan oo dhamaytays Laylisyo deg deg ah, ayaa ku biiri doona saldhiga Koonfureed ee Aaga Widhwidh, si ay u xoojiyaan ciidamadii horey halkaas u fadhiyey.

Maamulka Konfur Galbeed May 04, 2015 Taliyaha nabad-sugidda maamulka Koofur galbeed Soomaaliya Cali Cabdullahi Isxaaq (Aflow) ayaa beeniyay in degaanka Janaale ee gobolka Sh/hoose ay ku yaalliin sal-dhigyo ay Daacish leedahay. Hadalka taliyaha ayaa yimid xilli shalay dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay burburisay sal-dhigyo ay kooxdaasi ku laheyd koofurta dalka gaar ahaan degaanka Janaale.

Saraakiisha Koofur-galbeed ayaa sheegay inaysan xog-ogaal u aheyn joogitaanka Daacish iyo weerarka ay dowladdu tilmaantay inay ku burburisay sal-dhigyada Daacish.

Taliyaha nabadsugidda Koofur-galbeed Soomaaliya wuxuu sheegay inuusan ka war-heynin joogitaanka Daacish.

“Anagu waxaan ognahay oo kaliya in al-Shabaab ay meeshaas ku sugan yihiin, mana ogin Daacish lamana socno weerarka dowladdu sheegtay inay ku burburisay sal-dhigyada Daacish,” ayuu yiri Isxaaq.

Soomaaliya oo lagu tilmaamay iney tahay dalka ugu xun aduunyada ee weriye laga noqdo

HRW May 04, 2016: Hay’adda u Doodda Xaquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in Soomaaliya ay tahay dalka ugu adag ee wariye uu ka shaqeyn karo mar loo eego culeysyada ay inta badan saxafiyiintu la kulmaan.

HRW ayaa warbixinteeda ku xustay in suxufiyiinta Soomaaliyeed ay ku shaqeeyaan xaalad adag, isla markaana la beegsado xilli walba. Sidoo kale Warbixinta waxaa lagu xusay in ay Soomaaliya tahay wadanka ugu xun Qaaradda Afrika ee Suxufiyiini ka hawl-galaan, marka caalamka la eegana ay tahay Waddamada ugu daran ee ay ka hawl-galaan uu suxufiyiinta.

Sidoo kale, Hay’adda HWR ayaa ku eedeysay Dowladda Federaalka Somalia iyo Xarakada Al-shabaab inay caburiyaan suxufiyiinta ayna ku khasabaan inay tabiyaan Wararkooda.

Laetitia Bader, oo ah cilmi-baare ka tirsan Hay’ada HRW, ayaa sheegtay in marka loo eego xaaladda ay suxufiyiinta Somalia ku shaqeeyaan ay keenayso in dalka loo aqoonsado dalka ugu xun caalamka ee wariye ahaan looga shaqeeyo.

“Shirqoollada iyo Cago-jugleynta joogtada ah ee lagu hayo Suxufiyiinta Soomaaliya, ayaa ka dhigaysa Dalka inuu yahay mid ay khatar kala kulmaan Suxufiyiinta,” ayay tiri Laetitia Bader.

Haweeneydaan Cilmi-baaraha ah ee ka tirsan HRW, ayaa waxay sheegtay in Xaaaladda ay Suxufiyiinta Soomaaliyeed ku shaqeeyaan ay sii xumaanayso sida ay aaminsan tahay, ayna aad u yar tahay in si xorriyad ah loo hadlo.

Dhanka kale, Laetitita Bader, ayaa ku eedeysay Dowladda Somalia inay Cadaadis xoog leh saarto Suxufiyiinta ama Xarumaha Warbaahinta, iyadoo Suxufiyiinta Soomaaliyeed-na ku tilmaantay kuwa la kulma culeysyo kala duwan.

HRW, ayaa waxay xustay in dhibaatada kale ee Wariyeyaasha Soomaaliyeed haysata ay ka mid yihiin; in Qaarkood aysan lahayn khibrad ku filan oo ay Warbaahinta uga shaqeeyaan, waxayna hay’adu tusaale u soo qaadatay in suxufiyiin badan oo ay la kulmeen ay da’dooda ka yartahay 25-sanno.

“Suxufiyiin tiro badan ayaa Naftooda ku waayay Somalia Shaqadooda Awgeed; sidoo kale waxaa la dhaawacay tiro kale, kuwo kalena way ka carareen,” ayaa lagu yiri Warbixinta ay soo saartay hay’adda HRW.

USA May 04, 2016 Ted Cruz oo ka mid ahaa, Murashaxiinta Jamhuuriga ee ku tartamayay doorashooyinka tijaabada ahayd ee ka socotay gobollada dalka Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inuu k haray tartanka doorashada.

Tallaabadan ayaa fursad siinaysaa murashaxa Donald Trump oo uu xifaaltan weyni kala  dhexeeyay, kaasoo qarka u saaran inuu noqdo musharxa Xisbiga Jamhuuriga ah ee dalka Mareyanka uga Qayb-galaya doorashada guud ee Mareykanka.

Sidoo kale, Ted Cruz ayaa shaaciyay ka bixitaankiisa tartanka wax yar kaddib markii ay caddaaday inuu ku guul daraystay codbixinti ka dhacday Gobolka Indiana ee dalka Mareykanka.

Doorashada is-reeb-reebka Xisbiyada Maryekanka ayaa hadda gaba-gabo ku dhaw. Iyadoo murashaxiinta sida weyn loogu saadaalinayo inay guulo ka gaareenna ay ka mid tahay Hillary Clinton oo ku tartamaysa magaca xisbiga Dimuqraadiga.

WARARKA MAANTA MAY 03, 2016

Nairobi May 03, 2015 Xibiga Midnimadda Iyo Dimuquraadiyadda Siyaasi Salaad Cali Jeelle oo guddoomiyo ka ah mid kamid ah xisbiyadda dalka ka jira haatan ayaa waxuu ku taagtaagsaday arrimo xaasaasi ah asagoo wareysi siiyey Wariye Xamdi Kadiye oo ka tisan Univeral TV. https://www.youtube.com/watch?v=gp9eJ4GQr20

Muqdisho May 03, 2016 Tiro madaafiic ah, ayaa saqdii dhexe ee xalay lagu garaacay Xarunta Taliska Amisom (Xalane), oo ku dhex taala Garoonka Aadan Cadde Ee Magaalada Muqdisho.

Illaa 10 xabo oo madaafiic ah, ayaa loo tuuray dhinaca Xarunta Amisom, waxaana si wayn looga maqlaayay qaybo badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, Korneyl Joe Kibet, ayaa waxaa uu Warbaahinta u xaqiijiyay in dhawr xabo oo madaafiic ah ay gudaha ugu soo dhacday Xaruntooda Xalane.

Afhayeenka, ayaa sidoo kale sheegay in tiro kaloo madaafiic ihi ay u gudubtay dhinaca badda, iyadoo uu ka gaabsaday inuu faah faahin ka bixiyo haddii madaafiicda ku dhacday Xalane ay khasaarooyin gaysteen iyo haddii kalaba.

Ma jirto cid weli sheegatay masuuliyadda madaafiicda lagu weeraray Xarunta Taliska Ciidanka Nabad Ilaalinta Amisom. Shabaabka oo ka soo horjeeda joogitaanka Amisom ee dalka, ayaa horay madaafiic ugu weerartay Xalane.

Muqdisho May 03, 2016 Waxaa faraha kasii baxaaya xad-gudubyada ay Ciidamada Dowlada ku hayaan dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Muqdisho.

Saraakiisha iyo Ciidamada qaar ayaa ka hantiyay xadgudubyo loo geysto Hanti shacab iyo mida guudba mana jirto cid arrintaasi kala xisaabtanta.

Jaylaani Cali Kadiye oo horay u ahaan jiray Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somalia, ayaa cabasho ka keenay xadgudub lagu sameeyay hooygiisa oo ku yaalla Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Jaylaani Cali Kadiye, waxa uu sheegay in DFS ay amar ku bixisay in la burburiyo Guryo uu ku lahaa Degmada Hodan kaasi oo meesha ku yiilay tan iyo Dowladii Dhexe.

Waxa uu sheegay in Ciidamo ka tirsan Dowlada ay ku xadgudbeen Hoygiisa, waxa uuna carab dhabay in gabi ahaan dhulka la dhigay Gurigiisa oo ku yiilay kasoo horjeedka Xaruntii hore ee Ciidamada Asluubta ee Degmada Hodan.

Jaylaani Cali Kadiye, waxa uu intaa raaciyay hadalkiisa in Burburinta sharci darada ah uu kala hadlay Saraakiil ka tirsan Dowlada balse lagu wargaliyay in burburinta gurigaasi ay aheyd mid ku dhacday qaab khaldan.

Jaylaani Cali Kadiye, oo xadgudub muuqda lagu sameeyay waxa uu Dowlada ka dalbaday in loo dhiso hooygiisa, balse nasiib darro ma uusan helin wax jawaab ah.

DFS ayaa xiliyada qaar ku kacda falal sharci darro cad taasi oo inta badan dadka shacabka ah ay u fasirtaan in dalka aysan ka jirin wax Cadaalad ah.

Garoowe May 03, 2016 Waxaa shalay magaalada Garoowe ka dhacay mudaaharaad ballaaran oo ay ka qayb-qaateen haweenka ganacsi yar-yar haysta, iyo dadka kale ee ay saameysey sicir bararka laga dareemayo suuqyada Puntland. Hooyooyinkii ka banaanbaxay sicir bararka iyo kor u kaca sarifka Dollarka ayaa qaarkood xabsiga la geeyey inkasta oo markii danbe la sii daayey.

Sarifka Dollarka ayaa gaarey heerkii u sareysey muddo 6 sano ah, waxaana uu suuqyada Puntland ka gaarey $1=26000Sh.So. iyada oo suuqyada Koonfurta Soomaaliya aan waxba iska beddelin.

Qiimaha sare u kacay ee Dollarka ayaa sabab u ah lacag badan oo ah Shiling Soomaaliga ah oo suuqyada soo gashey oo eryooneysa lacag tiro yar oo ah dollarka Maraykanka oo aan jismi ahaan u jirin.

Sariflayaasha suuqyada Puntland ayaa ku eeedeeyey maamulka Puntland ee Cabdi Weli Gaas in ay kontrooli waayeen lacagtii faalsada ahayd ee ay sameynayeen, waxaa taas dheer iyada oo lacaga lagu sameeyo meelo ka baxsan Puntland ay soo gaareen suuqyada Puntland, isla markaana lagu beddeshey lacagtii Dollarka ahayd ee dadku haysteen

Sidoo kale waxaa ka qayb-qaata yaraanta dollarka, Ganacsiga Qaadka oo isagu yahay caleenta qaadka oo dollar lagu bedalanaayo dibna dalka looga saaro.

Ganacsatada waaweyn ayaa iyaguna sheegaya in ay sabab u tahay abaartii ka taagneyd dalka oo hoos u dhac ku ridey dhaqaalaha, iyada oo lacagta adag ee soo galaysa dalku uu yahay mid aad u yar, dhoofka iyo soo dejintuna ay tahay mid aan isu dhigmin.

Si kastab ha ahaatee markasta oo dollarku kor u kaco waxaa la kaca qiimaha macayshadda, dhamaan alaabaha iyo adeega ku qiimeysnaa Shilin Soomaaliga ayaa isbedel ku yimid waxaana kor loo kiciyey 0.5%, tas oo waxyeelo ku noqotey dhamaan dadka danyarta ah iyo kuwa ku nool biilka qurbaha looga diro.

Dadka Mudaaharaadaya ayaa sidoo kale ka cabanaya qiimaha go’an ee shirkadaha qaarkood ay Dollarka u djisteen, taas oo ka badan sicirka maalintaas ee suuqyada.

London May 03, 2016 Kooxda Leicester City ayaa ku guulaysatay horyaalnimada Ingiriiska, tanina waxay noqonaysaa mid ka mid ah taariikhaha ugu waawayn ee dhanka ciyaaraha.

Barbarihii 2 iyo 2 ahaa ee Tottenham ay la gashay Chelsea ayaa sababtay guushaas cajiibka ah ee ay gaartay kooxda uu hogaamiyo tababare Claudio Ranieri.

Rajada Leicester ay ka qabtay koobka bilawgii xilli ciyaaraadka ayaa ahaa shan kun oo meeloodaw meel, xilli ciyaareedkii horana waxayba ku sigteen in ay ka mid noqdaan saddexda kooxood ee u dhibca hooseeya ee laga eryo horyaalka Ingiriiska.

Waxaa laga badiyay saddex ciyaarood xilli ciyaareedkan taas oo lagu tilmaamay wax cajiib ah.

Kooxaha ugu soo dhawaa ee Spurs, Arsenal, Manchester City iyo Manchester United iyo Kooxda Chelsea oo koobka difaacanaysay ayaan midkoodna u soo dhawaanin kooxda lagu naanayso dawacooyinka ama Foxes.

Marka laga hadlayo kubadda Ingiriisk, Leicester in ay koobka qaaddo waa guushii ugu waynayd ee abid waxaana u malaynayaa in taasi aan laga gudbi Karin, sidaas waxaa BBC Sport u sheegay Robbie Savage oo horay khadka dhexe uga dheeli jiray Leicester City.

Waa wax cajiib ah waana mid bog cusub u furaysa horyaalka Ingiriiska ayuu sii raaciyay.

Halkaan ka daawo dabaal dega taageerayaasha Leicester:

Kaddib markii Leicester ay 1 iyo 1 barbaro la gashay kooxda Manchester United axaddii, Tottenham waxay u baahnaayeen in ay saddexda ciyaarood ee u dhimanba ay badiyaan.

Laakiin rajadoodii waxay soo af jarantay markii ay barbaro la galeen Chelsea oo ay xifaaltan leeyihiin magaalada London-na ay ka wada dhisanyihiin.

Muqdisho May 03, 2016 Dowladda dalka Sweden ayaa kordhin doonta xaruumaha lagu xiro qaxootiga sharciyada loo diido ee looga cabsanayo in ay dhuuntaan.

– Waa kordhineynaa tirada la xiro, ayuu yeri wasiirka arrima gudaha Anders Ygeman (S) oo ka hadlayey shir saxaafadeed ay wado jir u qabteen asaga iyo wasiirka socdaalka Morgan Johansson(S).

Ygeman iyo wasiirka socdaalka Morgan Johansson ayaa maanta shaaciyey howl-sha dowladda ay ka damacsantahay magangeliyo doonka diidamada la siiyey balse aan dib ugu noqon dalalkooda.

– Aas’aaska siyaasadda magangeliyo doonka waxay tahay in uu jiro nidaam iyo kalo dembeyn. Ruuxa loo diido magangeliyada waa in uu waddankiisa ku noqdaa, ayuu yeri Morgan Johansson wasiirka socdaalka.

– Haddii kale waxay imaanaysa kooxo badan oo si qorsoodi ah dalka ugu nool, oo shaqooyin sharci daro ku shaqeysta, shaqobaxiyaasha ka faa’ideystaan.

Si hadaba looga hortaggo in ay bataan dadyowga diidamada heysta balse dhuunta ayey dowladda ku talo jirtaa in ay kordhiso boosaska lagu xiro dadyowga sharciyada loo diido oo laga dhigaa 350 boos halka ay manta tahay 250 boos, taas micnaheeda tahay kor u kac dhan boqolkii 40.

Dowladda ayaa 90 milyan u qorsheysay in ay ku qarash gareyso howl-shan cusub, taas oo ku jirta miisaaniyadda gu’ga.

– Goobta ku haboon hada in la adeegsado waxay ahaan kartaa xabsigii hore Kirseberg magaalada Malmö, kaas oo hadda banaan lana isticmaalin, ayuu Morgan Johansson.

Anders Ygeman wasiirka arrimaha gudaha aya jilaalkii la soo dhaafay ku qiimeeyey in Sweden laga masaafurin doono dad gaaraya 60 0000 ilaa 80 000 sannadyada soo socda.

WARARKA MAANTA MAY 02, 2016

Su’aasha Maanta; Mudane Madaxweyne Xassan, Meeqo ciidan shisheeye ah ayaa dalka jooga? Haddii ay yimaadeen Ciidamo ka socda UK? Ma suurtagal baa inay Ciido Iran ama Ruushka ka socda yumaadaan? Yaa u fasaxay inay ciidamo shisheeye yimaadaan Soomaaliya? Jawaabtu waxay tahay Ummadda Soomaaliyeed Iyo Golaha Xildhibaannadda ma aysan u fasixin ciidamo shisheeye inay yimaadaan marka Mudane Madaxweyne Xasssan, Maxaad uga aamusan tahay inay joojiso ciidamadda shisheeye ee waddaka iska soo galaya!

Jigjigga May 02, 2016 Madaxweynaha Maamulka Galmudug ee garabka Koonfurta Gaalkacyo Mr. Cabdikariim Guuleed, Jaajuus Janaraal Gebra, Madaxweynaha DDS Cabdi Ilay Maxamuu Iyo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Mudane Axamed Maxamed ISlaan oo ku dhaantaynaya Jigjiga ayagoo aan wax tacsi ah u dirin dadkii ay gummaaday Ciidamadda DDSI ee hoos taga Dowladda TPDLF ee xoogga ku haysta dalka Itoobaya. https://www.youtube.com/watch?v=AVY6KXL3GoY

uqdisho May 02, 2016 Wararka naga soo gaaray Goor dhaw magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu dib u dhacay kalfadhi ay yeelan lahaayeen mudanayaasha baarlamaanka ee Soomaaliya, kaas oo looga hadli lahaa arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Mid kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay sababta baaqashada kalfadhigan ay tahay, maadaama labo maalmood la fasaxay Shaqaalaha dawladda Faderaalka, sidaas awgeedna uu baarlamaanka uu ka mid yahay Hay’addaha dawladda Soomaaliya.

Habdhawraha baarlamaanka ayaa sheegay in berri ay si rasmi ay u bilaaban doonaan Fadhiyada baarlamaanka, oo uu sheegay in la shaqeyn doono labada galinba, waxaana arrimaha laga doodi doono ay yihiin kuwa la xariira Hiigsiga 2016-ka ee doorashada Soomaaliya.

Muqdisho May 02, 2016 Wasiirka howlaha guud iyo dib-u-dhiska dowladda Soomaaliya Saalax Sheikh Cismaan ayaa sheegay inay dhawaan filayaan wafdi injineero ah oo ka imaanaya dalka Talyaaniga si buu yiri ay u indha-indheeyaan meelaha dekad iyo garoon caalami ah laga hir-galin karo.

Kadib safar ku tagista Talyaaniga, Saalax ayaa helay balan-qaad ku saabsan in Soomaaliya laga dhisi doono dekadda ugu weyn Afrika iyo garoomo diyaaradeed oo casri ah – isla markaana la jaan-qaadi kara kuwa dunida koobaad.

Saalax ayaa tilmaamay in wasaaraddu waddo qorshayaal lagu dhisayo jidadka, guryaha dudumay ee wasaaradaha dowladda – isaga oo dhawaan xusay in la hir-galin doono waaxda ku shaqada leh waddooyinka sare ‘high way’ taas oo uu raja ka muujiyay inay ku baahin doonaan dalka guud ahaan.

“Dhismaha dalka halaga wada qeyb-qaato oo yaan gacmo shisheeye wax laga sugin. Wasaaraddu waxay wadaa qorshe dib loogu dhisayo guryaha shibilka ama rayidka ee burbursan,” ayuu Saalax balan-qaaday.

Kol hore ayay aheyd markii Saalax uu sheegay in dhawaan wasaaraddiisu ay soo waddo sharci lagu burburinayo dhismayaasha sharci-darrada ah ee laga hir-galiyay dhulkii hantida guud ee dowladdii dhexe.

Muqdisho May 02, 2016 Maanta oo Isniin ah waxaa lagu waday in Baarlamaanka Soomaaliya uu hor tago Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake si wax looga weydiiyo Hanaanka Doorashada ee Sanadkaan.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Xaqjiiyiyay in Ra’iisul Wasaare Sharmaake oo la filayay in maanta Baarlamanaka uu kala qeyb galo Kulankooda uu ka baaqsaday Kulanka.

Xildhibaan Maxamed Cumar ayaa intaa ku daray in Sababta uu u baaqday ay tahay Fasax ku aadan Maalinta Shaqaalaha Adduunka oo Shalay ku beegneyd Balse Mudo labo Maalin ah la Fasaxay Shaqaalaha Dowladda .

Ra’iisul Wasaare Sharmaake ayaa Sabtidii la soo dhaafay Baarlamaanka hor geeyay Heshiiskii Dowladda iyo Maamul Goboleedyada ay ku gaareen Muqdisho ee la isku raacay Nuuca Doorasho ee Sanadkaan.

Muqdisho May 02, 2016 Koox askar British ah ayaa soo gaaray Soomaaliya kuwaasi oo qeyb ka noqonaya inay taageraan Howlgalka QM ay taagerto ee laga wado Soomaliya ee lagula dagaalamayo Xarakada Al-shabab.

Kooxdan ayaa ka kooban 10-askari oo taageri doonta Howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Afrika,waxan hor dhac ay u yihiin askar kale oo 70-gaareysa oo kusoo wajahan Muqdisho.

Askartaan ayaa shaqadooda waxa ay noqon doontaa in ay ciidamada AMISOM ka cawiyan dhinaca caafimaadka,Lojistikada iyo arimaha farsamada.

Dowladda Britten ayaa kamid ah wadamada Reer galbeedka ee iyagu gacanta kasiiya dowladda Soomaaliya dagaalka lagula jiro Al-shabab iyo tababarada la siiyo ciidamadeedi qaranka.

Tuun Nirgood May 02, 2016 Wararka ka imaanaya Degaanka Ruun-nirgood  ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in Xaalada Degaankaasi ay dagan tahay islamarkaana Ciidamada Milatariga Soomaaliya ay Qorsheynayaan Weerar ay degaankaasi ku qaadaan.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe Daa’uud Xaaji Ciiro ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay Weerar ku yihiin degaankaasi.

Afhayeen Daa’uud ayaa Xusay in Degaanka Ruun-nirgood ee Gobolka Shabellaha Dhexe ay ku dileen Rag ka tirsan Shabaab oo ay ku jiraan Ajaanib,balse ma sheegin Tirada Ajaanibta ay dilen.

Shalay Shabaab ayaa Dagaal ku qabsaday  Degaanka Ruun-nirgood ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Kismaayo May 02, 2016 Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland ayaa waxaa maanta lagu qabtay tartan Orad ah oo loo qabtay dadka naafada ah ee ku socda Baaskiilka.

Tartankaani ayaa waxaa usoo daabasho tagay dad aad u farabadan kuwaasi oo u sacaba tumaayay kuwa ugu horeeyay orodka.

Tartanka loo qabtay dadka cuuryaamiinta ee ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa la sheegay in ay ordayeen masaafo dhan 150m.

Tartanka ayaa ahaa mid ku saleysan qaab xaafad ah, waxaana kaalinta koobaad la sheegay in ay ku guuleysatay xaafadda Calanley oo ka mid ah xaafadaha ku yaalla magaalada Kismaayo.

Muqdisho May 02, 2016 Taliyaha Ciidanka Xooga ee 12 April General Maxamed Maxmuud Saneey ayaa sheegay inay ay Amisom ay leedaha ma suuliyada qasaarihii ciidamada Dowladda ka soo gaaray dagaal kii Deegaanka Ruun-Nirgood ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Gen Maxamed Saneey ayaa tilmaamay in Amisom ay balantii uga baxday Dowladda, taasoo ahayd in marka hore  ciidamda Dowladda ay ku hormaraan Deegaanka Amisom ay dib ka timaado balse halkii Amisom laga sugayay Saaka ay Al-shabaab weerar kala kulmeen sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale Saneey waxa uu sheegay Masuuliyadda inay qayb ka leeyihiin Madaxda Sare ee ciidamada si Amaanduulaha ciidanka iyo Taliyaha Xoogga Dalka.

Hadda ciidmada Dowladda ayaa Dib isu aruursi ka wada Deegada ku dhaw dhaw Ruun-Nirgood oo Al-Shabaab ay si rasmi ah ula wareegeen.

Muqdisho  May 02, 2016 Wixii ka dambeeyay weerarkii qaraxa loo adeegsaday ee 2-dii bishii February lagu weeraray mid ka mid ah diyaaradaha shirkadda Daallo Airlines, ayaa waxaa is bedel wayn oo xagga ammaanka ah laga hirgeliyay Garoonka Aadan Cadde.

Dadka doonaaya inay ka dhoofaan Garoonka Aadan Cadde, ayaa waxaa baaritaano kala duwan lagu marsiinaa Garoonka, waxaa jira eeyo ka qayb qaata baaritaanada, iyadoo Saraakiisha ay su’aalo afka ah weydiiyaan rakaabka qaarkood.

Dadka, ayaa waxaa baaritaanka 1-aad lagu marsiiyaa wadada 1-aad ee laga soo galo Garoonka, iyadoo agabyada ay wataana inta laga qaado ay uriyaan eeyda loo tababaray ka hortagga qaraxyada, waxaa sidoo kale jira agabyadaasi in la marsiiyo qalabka loogu talla-galay in lagu xoojiyo ammaanka. Boorsooyinka rakaabka waxaa markale lagu fatashaa albaabka hore ee diyaaradda.

Baaritaanadan, ayaa waxaa iska kaashada Saraakiisha Nabad Suggida & Booliska ee ka tirsan Laanta Socdaalka Somaliya, Saraakiisha Maamulka FAVORI oo maamula amaba gacanta ku haaya Garoonka Aadan Cadde iyo Saraakiil ka tirsan Amisom.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo bishii March la kulmay Saraakiisha dhinaca ammaanka ee Garoonka, ayaa ku amray inay kordhiyaan goobaha lagu baaro dadka safraaya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa uu xilligaa sheegay in Dowladda Somaliya, ay tallaabo adag ka qaadi doonto cid kastaa oo ku lug yeelata weerarkii Daallo Airlines.

13 qof oo middi ay haweeney tahay, isla-markaana loo haysto weerarkan, ayaa 19-kii bishii hore ee April la horkeenay Maxkamadda Darajada 1-aad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Gudoomiyaha Maxkamadaasi, Xasan Cali Nuur (Shuute), ayaa sheegay inay sii wadayaan dhageysiga dacwadda loo haysto dadkaasi, ayna go’aan kaga gaari doonaan toddobaadyada soo socda.

Muqdisho  May 02, 2016 Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowlada gaar ahaan kuwa ciidamada Saldhiga Galbeed ee Degmada Dharkeenleey ee Magaalada Muqdisho ayaa goordhow lagu dilay nawaaxiga suuq liif.

Dadka Deegaanka oo Warqaad la hadlay ayaa Askarigan magaciisa noogu soo koobay Cabdi Saciid iyagoo sidoo kale sheegay in Kooxaha Dilkaasi ka dambeeyay ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo goobta gaaray ayaa bilaabay howlgallo kala duwan oo lagu baadi goobayo Kooxaha falkaasi Dilka ahaa ka dambeeyay .

Galudug  May 02, 2016 Xildhibaanada baarlamanka Galmudug ayaa diyaariyey mooshin xilka looga qaadayo madaxweynaha maamulkaas Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Xog gaar ah oo aynu helnay ayaa muujineysa in xildhibaanno dhowr iyo Soddon ah oo Mooshinkan ku diyaariyey magaalada Muqdisho ay maanta u baxayaan magaalada Cadaado.

Xildhibaanada ayaa waxaa sidoo kale ku biirayaa dhowr iyo labaatan xildhibaan oo kale oo ku sugan Cadaado.

Xil ka qaadista Cabdikariim Guuleed ayaa waxaa sabab u ah dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin inuu ku guul darreystay isku keenidda dhammaan dadka Galmudug iyo deegaanada ka maqan gacanta maamulka, iyo inuu soo dhisi waayey xukuumad tayo leh.

Guuleed ayaa waxaa sidoo kale uu noqday madaxweyne maqane ah, isaga oo inta badan ku sugan magaalada Muqdisho oo uu xarun ka dhigtay.

Arrinta ugu weyn ee xildhibaannada ka carreysiisay, ayaa si kastaba ah, markii uu Guuleed dhinac fariistay Jeneraal Gabre, Axmed Madoobe iyo Cabdi Ileey, xilli ciidamada Cabdi Ileey ay shacab badan oo reer Galmudug ah xasuuqeen, islamarkaana diideen in xittaa meydadka la aaso.

“In dadkii meydkooda jidadka yaalaan, oo beesha Cabdi Ileey diiday xittaa in la aaso, inuu meel kula qoslo, ma qaadan karno” ayuu yiri xildhibaan codsaday inaan la magacaabin.

Mooshinka xil ka qaadista Guuleed ayaa la filayaa in la gudbiyo toddobaadkan.

Puntland May 01, 2016 Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa 1-May-2016 munaasabad soo dhoweyn ah ugu sameeyey xarunta Madaxtooyada dawladda Puntland ee Magaaalda Boosaaso wufuudii caalamiga ahayd ee ka kala socotey dawladda Talyaaniga, dawladda Federaalka Soomaaliya, urur goboleedka IGAD iyo hay’adaha mashaariicaha ka wada Puntland oo maanta gelinkii hore soo gaadhey magaalada Boosaaso ee xarunta xanacsiga Puntland.

Waftiga ayaa waxa kamid ahaa danjiraha dawladda Talyaaniga u fadhiya dalka Soomaaliya Ambassador Fabrizio Mercelli, xog-hayaha guud ee urur goboleedka IGAD Ambassador Maxbuub Macallin, Wasiirka Duulista hawada dawladda Federaalka Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jaangeli, wakiilka urur goboleedka IGAD ee Soomaaliya Ambassador Maxamed Cabdi Afey, hay’adaha Jimciyadda quruumaha ka dhexaysa ee mashaariicda ka fuliya Puntland iyo hay’adda Talyaaniga u qaabilsan horumarinta iyo mashaariicaha.

Sidoo kale munaasabadda ayaa waxaa kasoo qayb galay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka dawladda Puntland Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaam, Marwada Madaxweynaha Dr’s Hodon Siciid Ciise, wasiiro, xildhibaano, odayaal dhaqameed, isimo, qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah iyo hobollada Kaah Star oo munaasabadda kasoo jeediyey suugaan kala duwan oo ay ku cabbirayeen horumarka iyo dawlad wanaagga ka jira Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku tilmaamay munaasabaddaasi mid lagu soo dhoweynayo isla markaana lagu muujinayo maamuuska ay dawladda Puntland iyo shacabkeedu u hayaan dawladda Talyaaniga oo doorweyn ka qaadatay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland iyo urur goboleedka IGAD oo wakiil uga ah dawladda Talyaaniga dhaqaalaha tirada badan ee ku baxaya dhammaystirka wejiga labaad ee Madaarka Boosaaso.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sheegay in ay dawladdiisu xoogga saarayso horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland, si uu u kobco  dhaqaalaha waddanku, isla markaana ay u soo bataan fursadaha shaqo ee ay raadinayaan kumannaanka arday ee sannad walba kasoo qalin jebiya Jaamacadaha dalka iyo kuwa dibadda.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay shacabka Puntland meelkasta oo uu joogoba in ay gacmaha is qabsadaan isla markaana ay isku tashadaan una guntadaan sidii ay u suubin lahaayeen wax soo saar ka-badan kan ay hadda sameeyaan, si dhaqaalaha dalku uu u kobco.

IMG_7000-1IMG_6990-1

WARARKA MAANTA Maay 01, 2016
Su’aasha Maanta: Mudane Madaxweyne Xassan? Haddii 4 sanno aad waxba ku qabanweysay? Ma waxaad wax ku qaban doontaa 4 sanno oo aad sii wado musuqmaasuq iyo argagixisadda Damu-Jadiid ee kula dhacaysa hantidii dadweynaga?

Sir Culus May 01, 2016 Wasiirkii Hore Ee Isgaarsiinta iyo Boostooyinka Mr. Guuleed Xassan Qaasim oo shaaciyey inay jiraan rag badan oo ula shaqeeya Ururuka Argagixisadda ee Shabaab “UGUS” asagoo caddeeyey inay si toos ah uga hawl-galaan wariyayaal u shaqeeya Shabaab kuwasoo qaata lacago isla-markaarna lacago baad ah ka qaada wariyayaasha kale. Wasiirkii Hore Ee Isgaarsiinta iyo Boostooyinka Mr. Guuleed Xassan Qaasim waxuu kale oo kashifay inuu Wasiirka Warfaafinta la shaqeeyo Ururka Shabab isla-markaana u fududeeyo hawlaha ay ka dhex fuliyaan gudaha Muqdisho.

Wasiirkii Hore Ee Isgaarsiinta iyo Boostooyinka Mr. Guuleed Xassan Qaasim waxyuu caddeeyey sababta xilka looga qaaday inay tahay markii uu diiday codsi amar ah oo ka yimid dalka Itoobiya ee ay hoggaaminayso Jabhadda TPLF oo ka khalkhashay horumarin iyo ballanqaadka uu dalka ruushka u fidiyyey dalka Soomaaliya taasoo Dowladda Ruushka ay qirtay inay dib-u-dhis ku samayn doonto ciidanka Soomaaliya.

Wasiirka waxuu sheegay Dowladda Itoobiya inay isku-dayday sidii ay ku koontrooli lahaud Saxaafadda iyo Isgaarsiinta Soomaalliya taasoo ay haatan ogaatay inaysan suurtagal u noqonayn markii aad shacabka Soomaaliyeed u sheegay waxa ay in muddo ah ku taamaysay isla-markaasna waxuu u fasaxay saxaafadda gudaha iyo dibaddaba inay la socdaan wxiii dalka ka dhex socda.

Wasiirkii Hore Ee Isgaarsiinta iyo Boostooyinka Mr. Guuleed Xassan Qaasim ayaa shaaca ka qaaday inay Dowladda Itoobiya Iyo Kenya rabaan inay si fudud ku qaataan dalka Soomaaliya oo dowladdo kale oo waa weyn ay ku haystaan qaybtooda. Wax micno weyn uma arko in xilka la iga qaado balse waxaan Ummadda Soomaaliyeed u sheegayaa inay dalkooda ka saaraan shisheeyaha deriska ah kuwaasoo aad moodid inay hanan doonaan haddii aan hadda wax laga qaban.

Khaatumo State May 01, 2016 Xildhibaan faarax cali oo kamida xildhibaanada maamullka khaatumo oo warbaahinta la hadlyey ayaa waxaa uu sheegay arimo dhowr,sida ,maamulka khaatumo waxyaabaha bilaha soo socda uga qorshaysan magaalada laascaanood ee caasimada gobalka soo Arrimaha xulista xildhibaanada matalaya dowlada fadaraalka ah ee maaulka khaatumo iyo arrimo kale. https://www.youtube.com/watch?v=hjH8_55G_Dk

Muqdisho May 01, 2016 Ra’iisal Wasaarae Mudane Cumar Cabdirashiid Cali oo sheegay inuu yahay musharax jaggadda Madaxweynaha Soomaaliya ee 2016 asagoo ka codsaday Golaha Xidhibaannadda inay muddo 2 bil ah u kordhiyaan Xukuummadda. Ra’iisal Wasaarae Mudane Cumar Cabdirashiid Cali oo arrinta musharaxnimadda jaggadda Madaxxweynaha uga waramay saxiibadiis ayaa waxaa la filayaa inuu si cad ugu dhawaaqo.dhawaan.

Muqdisho Maay 01, 2016 Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan [Jawaari] ayaa xildhibaannada aan soo xaadirin kal-fadhigan Sideedaad uusan ka mid noqon doonin xildhibaannada baarlamaanka cusub ee lasoo dhisi doono, isla markaana ay u aqoosan doonaan xlidhibaan gudan waayay waajibaadkii Qaran ee la saaray.

Afhayeenka Golaha Shacabka Somalia ayaa sheegay inay jiraan xildhibaanno badan oo aan soo xaadirin kulamada kal-fadhigan sideedaad ee baarlamanka, isagoo xusay inuu u dirayo digniin xildhibaannada maqan, taasoo ah inaanu kusoo laaban doonin golaha baarlamaanka cusub.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ugu baaqay xildhibaannada inay soo wada-galaan, maadaama laga doodayo Aayaha Waddanka, Wuxuuna ku celiyay in Xildhibaankii aan soo xaadirin kulammada soo socda loo aqoonsan doono Xildhibaan Waajibkiisa Qaran gudan waayay.

Prof. Jawaari, ayaa dhawaan joojiyay Safarrada Xildhibaanada ay dibadda dalka ugu amba-baxaan, kaddib markii ay bateen xildhibaanada safarrada isaga maqan ee aan kal-fadhiyada baarlamaanka imaan.

Shirarkii ugu dambeeyay ee Baarlamaanka Soomaaliya uu yeelanayay ayaa waxaa aad u yareyd tirada xildhibaannada soo xaadira, iyadoo kal-fadhigan sideedaadna uu yahay kii ugu dambeeyay ee ay yeelanayaan Xildhibaannada Baarlamaanka hadda jira.

Muqdisho Maay 01, 2016 Maanta waxay Soomaaliya u dabaal-degaysaa maalinta shaqaalaha adduunka oo ku beeggan 01 May, 2016.

Muqdisho Maay 01, 2016 Xildhibanada Baarlamanka Somalia oo laga codsaday iney deg deg u ansixiyaan qorshaha doorashooyinka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo shalay u gudbiyey Golaha Baarlamaanka Hanaanka guud ee Geeddi Socodka Doorashada 2016 ayaa ka codsaday baarlamanka iney deg deh u ansixiyaan.

Ra’iisul Wasaare Cumar oo Khudbad ka jeediyey kulanka Baarlamaanka ayaa sharaxaad ka bixiyey Hannaankan doorasho ee ay Xukuumaddu soo gudbisay, waxaana uu sheegay in hanaankani wadatashi guud ay ka sameeyeen Dawladda Soomaaliya iyo Maamullada dalka, isagoo ka codsaday Golaha Shacabka in ay ansixiyaan Hannaankan si ay u qabsoonto doorashadu waqtigii loogu talagalay.

“Waxaan ka codsanayaa Baarlamaanka, iyaga oo eegaya duruufaha ka jira dalka, waqtiga oo gabaabsi ah iyo howsha baaxadda leh ee dhiman in aad ansixisaan Hanaanka doorasho ee lagu keenay wada xaajood Siyaasadeed oo ku saleysnaa go’an wadar ogol ah oo ay qaateen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawlad Gobolleedyada Xubnaha ka ah”.ayuu yiri R/Wasaare Cumar.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa ka codsaday golaha shacabka inay soo aqriyaan qorshahan, maalinta Isniinta ah ee soo socotana la sii ambaqaadi doono go’aanka ka gaarista qorshaha guud ee Hannaanka Doorasho.

Washington DC Maay 01, 2016 Obama oo taliye cusub u soo magacaabay taliska ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika (AFRICOM)

Madaxweyne Obama ayaa Taliye cusub u soo magacaabay Taliska Milliteriga Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika.

Taliyaha cusub ayaa lagu magacaabaa Jeneral Tomas Waldhauser, kaasoo beddeli doona Jeneral David Rodriges oo hadda ka dib hawlgab ka noqonayo hawlaha Milliteriga.

Jeneral David Rodriges waxa uu bilowgii bishan sheegay in Maleeshiyo gaaraysa ilaa 6-kun oo ka tirsan Daacish ku sugan yihiin dalka Libya.

Mar uu ka hadlay Ammaanka Geeska Afrika, waxaa uu Al-shabaab ku tilmaamay Khatarta ugu weyn ee ka jirta gudaha Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray inay la shaqeeyaan shanta waddan ee Ciiddamadu ka joogaan Somalia, isla markaana ay horumarinayaan Awoodda Ciidanka Qaranka Somalia.

Taliska AFRICOM waxay Saldhig ballaaran ku leeyihiin Jabuuti, halkaasoo laga soo abaabulo duqeymaha lala beegsado Saraakiisha iyo Fariisimadda Alshabaab iyo Hawlaha Loojistikadda ee lagu taageero Ciiddanka AMISOM ee dagaalka kula jira Al-shabaab.

Gaalkacyo Maay 01, 2016 Kooxo hubeysan oo saaka magaalada Gaalkacyo ku dilay saddex ruux oo ka tirsanaa barakacayaasha

Ugu yaraan saddex ruux oo midkood ay aheyd haweeney ayaa lagu soo waramayaa in saaka lagu toogtay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Dadkan la laayey ayaa la sheegay iney ka mid ahaayeen qoysaska ku dhaqan xerada barakacayaasha ee Buulo bacley oo ku taala koonfurta Gaalkacyo.

Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garaneyn ayaa la soo sheegayaa iney geysteen falalkan dilka ah kuwaasoo markiiba goobta ka baxsaday.

Lama oga illaa hadda cida ka dambeysa iyo sababta loo dilay dadkan barakacayaasha oo markii horeba ku noolaa duruufo kala duwan oo dhinaca nolosha, waxaana falkan si weyn uga xumaaday shacabka magaalada.

Ciidamada amaanka ayaa goobta dadkan lagu laayey gaaray, kuwaasoo bilaabay baaritaano ku saabsan kooxaha ka dambeeyey weerarkan, mana jiro war ay ka soo saareen ilaa hadda.

Laascaanood Maay 01, 2016 xildhibaan fihima  oo kamida xildhibaanada maamulka soomalind ee magaalada laascaanood ku sugan yaa arrin yaabadan isla markaa dhawaanahanba shacabka laascaanood ay xam xamteeda u adkaysan waayeen  banaanka soo dhigtay iyadaan loo camaamadin xildgibaanada ayaa shaaca ka qaday isla markaana aan dabo ka reebin xogta dhabta ah ee ka danbeysa mooshunka laga keenay mayaarka maamulka soomalind u jooga magaalada laascaanood ee xarunta gobalka sool.

Xildhinad fahiima oo kamida dadka tira yar ee hadii aan lacagta loo badan qabka runta ku salaysan ceebaha iyo xogaha usoo shaac saarta isla markaana aan xataa dadka aakhiradooda iyo adduunkooda toona aan waxba u dib iyo huri dhigan ayaa xogtan yaabka badan sida qashinka banaanka u soo saydhisay iyada oo dibnaheeda ku walwalaysa oo aysan naf ilaahay abuurtay ka hadlinayn.

Dadka siyaasada gobalka ee maamulka soomalind u dhuun daloolla ayaa goobaha suuqyada iyo shaaracyada laga shaaho qabab kala duwan maalmahanba arrintan uga faaloonayey,waxana ay inta badan su,aallo xowli ah ka kenayeen saababta maayarka ,,wax badan gobalka u qabtay xilka looga xayuubinayo,,waa sidda ay wararka iskula dhexmarayaan bulshada isha dheer ku halacsata siyaasada maamulka soomalind ee magaalada laascaanood ka arrimiya.

Balse hadal hayntaa iyi nux-nuxdaaba waxaa god aad u dheer ku fanuuniyey xildhibaanadan sida toga xargaga soo rogmatay isla markaana ceebaha iyo ka shifadaha maamulka soomaalind xubnaha u matala gobalka sool hantaqo iyo huq aysan kasoo waaqsan karin banaanka ka keentay.

adaba mar  ay isla bulshada iyo dhalinyarada magaalada  laascaanood ay wax iska waydiinayeen sababta ku kaliftay xildhabaan fahiima in ay wakhti xadirkan dibnaheeda soo marsiiso hadaladan iyo xaqiiqada intan le,eg ee ay shacabka reer laascaanood sida bajaajta kusoo dhex daysay,ayaa waxaa ay bulshada inta ugu badan waxay ku macneeyeen ,,in marka xaajiyadan lacagta lagu yareeyo ay qarka u saranto in ay kar qubato wax kasta oo sanado badan xogh maamulka soomalind ku kaydsanayeyna ay bananka kusoo hur gufto sida cudbiga,,

Waxaa kale oo ay bulshadu ku xantamayeen in isla marka ay lacagba keeni wayaan maamulku ay shaaca ka qaado wax kasta oo ay hayso oo ceeb iyo dhabar jab aan kasoo waaqsi lahayn ku ah xubnaha maamulka soomalind ee magaalada laascaanood gacanta ku haya.

Lama oga ilaa hada jawaab sax ah uu maamulka Soomalind wakiilada magaalada laascaanood ugu sugan ay jawaab ahaan ka bixiyeen hadalka gabadhan runta sutida u qabatay,sidoo kale lama oga qaab iyo ajande ay kula xaaleen xildhabaanad fahiima oo beer qaday walwalna ku abuurtay xubnaha maamulka soomalind ee maagalada laascaanood taladeeda siyaasadeed gacanta ku haya.

Kamanaan hadhine xogta markii aan sii baadhnay waxaa aan ogaane in ay xilka qaadista maayarka magaalada laascaanood ay dabada ka riixayaan xubnaha ganacsiga laascaanood xuurtada ku haysta ee lagu magacaabo,, neesha caalamka,,nimankan ayaa sida ila xogaaglu noo soo tabiyeen madaxa kaga taagan in uu tis qaado howlihiisa shaqo ee horyaalna uu qabsado mayaarka magalada laascaanood ee maamulka somalind,waa ninka lagu magacaabo Cismaan Saleebaan Jaamac oo  hada taqriiban aan mudo badanba jagada maayar nimo ee gobalka sool aan gacantiisaba ku jirn laakiin saan bulshada rayigooda kasoo xiganyno wax badan qabtay wax badana musuq maasiqay ha ugu horeeyaan,,Birirhii nalalka cad-ceeda ku shaqeeya oo magalada laascaanood loo qoon deyey ama ay xaq ahaan u lahayd 140,xabo ilaa hadana waxaa laascaanood laga hir galiye 60,xabo marka laga jaro hal xabo oo uu xaafadiisa ka taagtay adigu haysayaana birihii intaas le,ekaa.

Kasoo gudub Cismaan Saleebaan Jaamac la gary waa ninkaa xaalkiisa aan wax kasoo taabanay sidaas biraha oo kale maagalada laascaanood ninkan intuu jagadan hadda ciqliilka kaga jirta uu hayey waxyaabaha uu jaaniska ku helay kana faa,iidaysan waayey intuu waxa alle uga qoray ka qaato waxaa kamid ahaa,Laamiyadii ama wadooyinkii magaalada laascaanood dhawaan laga hirgaliyey kuwaas oo uu umadii oo arkaysa uu boodh iyo jay dadkii iskugu qooshay isla markaana daamurkii iyo qabayntii qurxintii wadooyinkaa suuq madow la xulay ilaa hadana umadda ku dhaqan magaalada laascaanood waxay ka war dhowrayaan ball roobkan iyo xaalka wadooyinjan say noqdaan mana saadaalin karno jawaabta saxda ah ee ay kaga fal celin doonaan arrintan laamiyada iyo musuqa maamulka soomalind xubnaha ugu sugan magaalada laascaanood ay ku caan baxeen in ay hagar dameeyan mashruuc kasta oo laascaanood iyp degaa ka usoo baxa.

intii uu xilka hayey Cismaan Saleeban Jamaac oo ah maayarka laascaanood ee haddana beesha caalamka ee laascaanood calanka loo saaray,cagahana doonaya in ay dhulka uga fujiyaan,beesha caalamka ayaa saan hadal hayn hoose oo nagu soo duulaysa ku helyno waxaa ay tageero hiil iyo hooya iyo waliba fan lacageed oo aan cadadkiisa qiyaaseed aan la saadalin karin ku bixinayaan sidii oday xiirahana laascaanood uu uga huleeli lahaa xilkan uu dhadhanka ku hayo iyo mashaariicdan is daba joga ah oo uu salka kusii adkaysanayo.

Beesha caalamka oo ah raga laacaanood dhaqaaq iyo joogso midna u diiday isla markaana mar kasta ku foogan in ay kala fur-furaan umadda inta aan mabda ooda la qaadan ayaa waxay hegan ugu jiraan goor iyo ayaanba in ay helaan qof ama xubin u dhaga furan oo kasoo wajahda dhanka maamulka soomalind,waxana saan warka ku helayno Cismaan Saleebaan jamac kamid yahay raga aan ahdaafta iyo amarada lacagaysan ee beesha caakamka laascaanood kaga yimaada aan aad u tixgalin isla markaana baacaadka iskaga dhaafa taasna waa ta sababtay saan ka war qabno isla markaana xogaha xaasasiga ah ku hayno in ninkan jagadiisa lacag lagu badalo isla markaana lasoo ceshado ninkiin aadka u tixgalin go,aanada maamulka nimanka beesha caalamka ee dib iyo hirba diidka ah isla markaana dhuun shubatada iyo xooga aan aqoonta ku dhehnayn gobalka sool ku haysta.

Waa ninka lagu magacaabo {Cabdiqaadir jaamac saalax,xuuxuulle}waxaana saan wararka caawaba ku haykni mooshin laga keenay Cismaan Saleebaan Jamac beri oo ah 31,april uu horyaala xarunta doelada hoose ee dagmada laascaanood waxana ha;lkaas codka moshinka soo dhoobi doona xildhibanada maamulka soomalind u matala magalada laascaanood ee xarunta gobalka sool kuwaas oo sida la xaqiijiyey lagu asqeeyey lacag aan caadi ahayn oo ay jeebadooda kasoo wadaceen beesha caalamka iyo xuuxuulle oo gacan ka helaya dhalinyaro maamulka Soomalind xogaa ka tuurta kuwa ku daba noolla isaga balse bilihii lasoo dhaafay ku bay hoofay magaaladan miskiin ilalista ah ee laascaanood ayaa xuuxulle gacmo lacag sida dhagaxa uga buuxdo oo beesha caalamku soo rartay ku tageeraya.

Cismaan Saleebaan jaamac ayaa sida ay xildhibaanadan cabasho iyo ceebohooda fashlish hadlaysaa waraysigeeda ku sheegatay in uu madaxa iskula dhacay dhamanba kuwa qababka kala duwan xulufada u ahaa hadalkaas oo ah,,timir lafbaa ku jirta macnaha ah waxaa uu haado iyo baacdo kala geeye isla markaana goobta ama saxankii siyaasada iyo tuug nimada ku kala waan tobau nimankii beesha caalamka iyo nimankii xildhibaanada golaha deegaanka oo ay iyadu ka mid tahay,,.

Lasaco qaybta 2aad qormo xiiso badan iyo waliba waxa beri bal dhaca poo aan isha ku hayn doono halkana aad kala sacon doontaan shabakada wararka ee widhwidh online.

Ceeldheer May 01, 2016 Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee Qebta ka ah AMISOM ayaa Saaka ku wajahan Degmada Ceel-dheer ee Gobolka Galgaduud.

Saraakiisha Ciidamadaasi horkacaya ayaa sheegay in Maanta ay ku Rajo weyn yihiin in ay Gacanta ku dhigeen Degmada Ceel-dheer ee Gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo  Al-shabaab ay halkaa ka bilaabeen Dhaqdhaqaaqyo Ciidan,kuwaas oo doonaya in ay iska Difaacaan Weerarka uga imaanaya Ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida.

Dadkii ku noolaa Degmada Ceel-dheer ee Gobolka Galgaduud ayaa halkaa ka barakacay,kuwaas oo ka cabsi qaba in lagu dul dagaalamo.

WARARKA MAANTA Abriil 29, 2016

Muqdisho Abriil 30, 2016 Ra’iisulwasaaraha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Md Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo goor dhaw la hadlayey baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in suuragal ay tahay in mudo labo bilood ah dib loo dhigayo waqtiga doorashada Soomaaliya.

RW Sharmaake wuxuu sheegay in looga baahan yahay baarlamaanka Soomaaliya in ay dadajiyaan qorshaha doorashada dalka, ayna muhiimad weyn tahay in la dhameystiro qorshahaas oo dhan.

Mr, Sharmaake wuxuu cadeeyey in hanaanka lagu galayo doorashada ay tahay nidaamka 4.5 oo ay horey iskugu raaceen dawlad gobaleedyada & Hogaamiyaasha Madasha Wadatashiga ee Soomaaliya.

Xildhibaano kamid ah baarlamaanka ayaa u sheegay PTIMES in lasoo gudbiyey qorshaha doorashada oo sidda muuqata ay ku cadahay hanaanka doorashada ee dalka, waxa ayna shegeen in ay soo akhrisan doonaan jawaabna ka bixin doonaan.

“Wax hal qolo kaligeed sameyneyso ma ahan, waxaa la keenayaa dhex dhexaadiyeyaal isugu jira Shisheeye iyo dad Soomaaliyeed oo kor joogaya arrintan, waa adkaan doontaa in musuq maasuq ay dhacdo, meel kasta oo doorashada ka dhaceysa, dhex dhexaadiyeyaasha iyo warbaahinta ayaa goob joog ka noqonaya”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

In doorashada Soomaaliya mudo labo bilood ah dib loo dhigo waa arrin cusub, oo aan horey lays kugu waafaqsaneyn, waxaana Deeq bixiyaasha Caalamka & Dawlad gobaleedyada qaarkood lafilayaa in ay si adag uga hadlaan arrimahan.

Muqdisho Abriil 30, 2016 Maxkamada Sare ee ciidamada Qalabka sida oo ku guda jirtay Dhageysiga Dacwad la xiriirta eedeysanayaashii loo haystay Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Baydhabo 28-kii Bishii February, ayaa saaka xukun ku riday dadkii loo haystay arimahaasi.

Dadka saaka maxkamada sare ee ciidamada Qalabka sida ay xukuntay ayaa Afar ka mid ah waxa ay yihiin rag loo haystay soo abaabulida Qaraxyadii ka dhacay Baydhabo ee dadka badan ay ku dhinteen, halka ruuxa kalena uu yahay Askari ka tirsan ciidamada Dowladda oo qof shacab ah dilay.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee ciidamada Qalabka Sida Liibaan Cali Yarow, ayaa ku dhawaaqay in Afarta ruux ee loo haysto Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Baydhabo 28-kii Bishii February, afartoodaba lagu xukumay dil toogasho ah.

Afarta Nin ee la xukumay ayaa magacyadooda waxa ay kala yihiin Xasan Aadan Mursal (Xasan Yare), C/ladiif Macalin Aadan Macalin C/raxmaan, Siyaad Xasan Faarax iyo Sharmad Aawoow Maxamed, iyadoo uu jiro ruux Shanaad oo ka maqan gacanta Maxkamada, kaasi oo isagana dil toogasho ah maxkamada ay ku xukuntay.

Sidoo kale Maxkamada Sare ee ciidamada Qalabka sida ayaa xukun ku riday C/qaadir Cali Maxamed oo loo haysto inuu wax ka ogaa Abaabulka Qaraxyadaasi, maadaama uu ku sugnaa Garaashkii lagu soo diyaariyay Qaraxyada, waxaana lagu xukumay hal sano oo xabsi ah.

Dadkaan ayaa xukunka maanta lagu riday waxa uu ka dambeeyay, kadib markii ay racfaan horay uga qaateen Xukun ay ku riday maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka sida.

Maxkamada Sare ee ciidamada Qalabka sida ayaa sidoo kale dil ku xukuntay Askari ka tirsan ciidamada Dowladda oo qof shacab ah ku dilay magaalada Baydhabo.

Xukunadaan ayaa waxaa ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee ciidamada Qalabka Sida Liibaan Cali Yarow oo Baydhabo ku sugan.

Puntland Abriil 30, 2016 Saraakiisha Ciidamada Mamaulka Puntland ayaa sheegay in ay la wareegeen guri uu deegaanka Gal-gala ku lahaa Hogaamiyaha Ururuka Daacish ee geeska Afrika ninka sheegtay Sheeq C/qaadir Muumin.

Warbaahinta caalamka qaar kood ayaa soo bandhigay muuqaal laga duubay ciidamada gaarka ah ee Maamulka Puntland oo gudaha u galaya dhismo u muuqda mid qabyo ah waxaana saraakiisha la wareystay ay sheegeen in uu lee yahay gurigaas C/qaadir Cali Muumin oo ahaa hogaamiyaha Al Shabaab ee deganada puntland hadana isaga iyo kooxdiisa ku biiray Daacish.

Jeneral Saciid Maxamed Xirsi taliyaha Ciidamada Puntland ayaa sheegay in inkastoo ay ka guulesysteen Al Shabaab iyo Daacish hadane ay u baahan yihiin taageero caalami ah hadii ay waayaana ay aragagixisado ay hooy ka dhiganeyso deegaanada Puntland sida uu yiri

Su’aasha Maanta: Maxay ku kalifay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Tedros inuu si deg deg ah ku aado dalka Ruushka?
Moscow Abriil 30, 2016 Wafdi ka socda Itoobiya oo gaaray Ruushka, Markuu sheegay inuu Dhisaayo Ciidanka Soomaaliya, Jabhada TPDLF oo haatan xoog ku haysta xukunka dalka Itooniya ayaa soo wajahday qalqal weyn markii ay maqashay Dowladda Ruurshka oo rabta inay dib- u dhisto ciidanka Soomaaliya oo ahaan jiray kuwo si aad iyo aad looga baqo.
Ruushku waxa uu ka ballan-qaaday ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid oo bishaan dhexdeeda tagey magaalada MOSKOW in ay ka taageerayaan dhismaha ciidankii qaranka Soomaaliya.
Hadaba Markii ay warkaasi Shaacisay Dawlada Soomaaliya waxaa si deg-deg ah u daba marey wafdi uu horkacayo wasiirka arrimaha dibadda Itoobiyasi ay uga dhaadhiciyaan ruushka in aan la dhisin ciidanka Soomaaliya
Dad badan oo Soomaaliyeed ayay ku noqotay arin la yaab leh, Inkastoo horey loo sheegay in Dawladaha Kenya iyo Itoobiya ay kasoo horjeedaan inay Soomaaliya dib u dhisato Ciidankeed. https://www.youtube.com/watch?v=8boM_lA3Dk8
Muqdisho Abriil 30, 2016 Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegay in dowlada aysan dhameystiri karin howlaha u harsan ilaa laga helo wakhti ku filan.
Ra’isul wasaare Cumar waxa uu sheegay in Madaxda dowlada ay la wada socdaan arrintaasi oo ah in labada Gole ay horyaalaan qorshooyin badan oo ka doodis u baahan kuwaasi oo ay suuragal tahay inaysan qabsoomin waa haddii aan la helin muddo kordhin kooban oo ku filan dhameystirka howlaha harsan.
Sharmaarke waxa uu sheegay inaan laga maarmi doonin in wakhti loo helo howlaha iminka dhameystirka u baahan waxa uuna carabka ku dhuftay in Howlaha noocaasi ah aan ku filnaan doonin wakhtiga Dowlada u harsan.
Hadalkaani ayuu ku sheegay wareysi uu siinaayay Idaacada Dowlada kaasi oo khuseeyay arrimaha Doorashooyinka.
Ma uusan carabaabin mudada ku filnaankarta dhameystirka howlahaasi balse waxa uu si maldahan u sheegay in wakhtiga uu muhiim yahay.
Haddalka Sharmaarke ayaa imaanaya iyadoo dhawaan Beesha Caalamka ay ka dhawaajisay inaanu jiri doonin wakhti kororsi.
Sidoo kale isla maanta ayaa waxaa lagu wadaa R/wasaaruhu uu hortago baarlamaanka kana hadlo qaabka doorashada iyo qorsha ay u diyaariyeen
Muqdisho Abriil 30, 2016 Shirkii caadiga ahaa ee golaha Wasiirada oo uu shir guddoominyay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Cumar Cabdirashiid ayaa Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ay soo hordhigtey golaha Wasiirada warbixin dhameystiran oo ku saabsan nidamka mideysan ee shatiyada Isgaarsiinta dalka iyo muhiimadda ay dalka u leedahay.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Axmed Xaaji Cabdi ayaa golaha Wasiirada usoo jeediyay warbixin cilmiyeysan oo ay Wasaaraddu ka diyaarisyey nadaaminta hirarka dalka iyo baahida loo qabo in dawladdu habeyso shirkadaha isticmaala hirarka dalka.
Warbixinta ay Wasaaraddu soo bandhigtey ayaa ahayd mid taabaneysa dhamaan noocyada Boostada iyo Isgaarsiinta dalka oo dhan, waxaana warbixinta kadib ay golaha Wasiiradu galeen iney ka doodaan su’aalana badanna la iska weydiiyay.
Golaha Wasiirada DFS ayaa usoo dhaweeyey hormarka ay wasaaraddu gaartey iyo soo gudbinta qorsha nadaaminta midyesan ee shatiyada Isgaarsiinta. Golaha wasiiraha ayaa dood kadib cod buuxa ku ansixiyy nadaamka mideysan ee shatiyada Isgaarsiinta dalka.
Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda ahna sii hayaha Wasaaradda Mudane Jamaal Xasan Ismaaciil ayaa sheegey muhiimadda ay dalka u leedahay nadaaminta iyo shati siinta shirkadaha bixiya adeegga Isgaarsiinta noocyadiisa kala duwan ee dalka ka hawlgala.
Waa markii ugu horeysey ee ay Xukuumaddu ansixiso nadaamka lagu hirgalinayo shatiyada Isgaarsiinta dalka, isla markaana lagu maareynayo Hirarka dalka taasoo ay wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiintu soo bandhigtey.
Shabeeelle Abriil 30, 2016 Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelada Dhexe ayaa sheegaya in wabiga Shabeele uu ku fatahay deegaano hoos yimaada magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelada Dhexe.
Wabiga ayaa fatahaad ka sameeyay tuulooyinka Tuugaarreey iyo Maandheere oo hoostaga magaalada Jowhar.
Dadka ku dhaqan deegaanada hoos yimaada Jowhar ayaa beryahanba cabsi xoogan ka muujinayay fatahaad uu sameeyo wabiga Shabeele.
Dadka ku nool deeganada uu maro wabiga Shabeele ayaa dhawaan ka cabanayay biyo la’aan xoogan kadib markii uu wabiga guray,balse imminka waxay ka cabanayan biyo badan iyo fatahaad uu wabiga sameeyo.
Istanbul Abriil 30, 2016 Qoraal kala duwan oo lagu soo daabacay shabakadaha ka faalooda arimaha Siyaasada Turkiga ayaa baahiyay Sawiro laga soo qaaday Xildhibaanada Baarlamaanka Turkiga oo feer iyo laad iska badiyay.
Feerka iyo laadka ayaa yimid kadib markii Xildhibaanada Mucaaradka Turkiga ay is hortaag ku sameeyen sharci la sheegay inuu ka hor imaanaayo Xildhibaanada Mucaaradka.
Xildhibaanada Mucaaradka oo markii horaba ahaa kuwo abaabulan ayaa is hortaagay iyaga oo sheegay in sharcigaasi ay Dowladu ku dooneyso inay ku xirxirto Xildhibaanada qaar oo lagu tuhmaayo inay kamid yihiin ururada hubeysan ee Kurdida.
Xildhibaanada ayaa goobta uu shirka ka socday ka dhigay fowdo iyo gacan ka hadal, iyadoo markii danbe ay soo kala dhexgaleen Ciidamada ilaalada ka ah Xarunta.
Foodada iyo laadka meesha ka dhacay kadib ayaa waxaa hakat galay shirka.
Hargaysa Abriil 30, 2016 Maamulka  Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajisay in magaalada Hargeysa ay ku sugan yihiin saraakiil ka tirsan ururka Al-Shabaab iyo madax ka tirsan hay’adaha kala duwan ee Maamulka Somaliland la shaqeeyaan
Wasiirka Duuliska iyo hawada Somaliland Dr. Cumar oo magaalada Hargeysa kula hadlayay Saxaafadda ayaa shaaca ka qaaday in garoonka diyaaradaha Cigaal Airport ay ku qabteen madax ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo boorsooyin ay ku jireen qalab khalkhal gelin kara ammaanka garoonkaasi.
Dr. Cumar ma sheegin qalabka waxa uu yahay, hase yeeshee waxa uu tilmaamay in guryo ay degan yihiin Wasiiro ka tirsan Somaliland ay gabbaad ka dhiganayeen rag uu ku tilmaamay inay kooxaha argagixisada ah la shaqeeyaan.
Waa markii ugu horeysay oo Maamulka Somaliland si cad u qirto in degaanadooda ay ka howlgalaan kooxaha argagixisada ah ee Soomaaliya ku sugan, iyadoo horay loogu eedeyn jiray in ururka Al-Shabaab laga maamulo gobolada Waqooyiga Soomaaliya ee ay ka taliso xukuumada uu madaxweynaha ka yahay Axmed Maxamuud Siilaanyo. https://www.youtube.com/watch?v=2xClgy_9QXQ
Moscow Abriil 30, 2016 Wafdi ka socda Itoobiya oo gaaray Ruushka, Markuu sheegay inuu Dhisayo Ciidanka Soomaaliya

Muqdisho Abriil 30, 2016 Masjid ku yaala xaafadda Garasbaaleey ee degmada Hodan ayaa ku soo dumay shaqaale ku howlahaa dib u dayactir lagu sameynayay masjidka, iyadoo ay ku dhaawacmeen 30 qof.
Uruurka Nato Abriil 30, 2016  Markab ka tirsan kuwa ciidanka Isbahaysiga NATO oo Badda cas ka badbaadiyey doon tahriibayaal siday
Dekedda magaalada Boosaaso ee gobolka ayaaa soo gaaray xalay 92 qof oo tahriibayaal ah kuwaasoo doonidii ay wateen ay muddo 5 cisho ah dul sabeynayey badda u dhexeysa Soomaaliya iyo dalka Yeman. Tahriibayaahan ayaa waxaa ka xumaatay doonidii ay la socdeen xili ay ku guda jireen badweynta, waxaana soo badbaadiyey markab ka tirsan kuwa isbahaysiga NATO ee ka ilaaliya xeebaha Soomaaliya Burcad badeeda.
Dadkan tahriibayaasha ayaa waxaa ka mid ahaa 7 qof oo Soomaali ah oo ay ku jirto haweeney uur leh iyadoo 85 kalena ay u dhasheen dalka Itoobiya.
Xaalada caafimaad ee dadkaas ayaa ah mid wanaagsan, marka laga reebo haweeneyda uurka leh oo lagu dabiibayo isbitaal ku yaal magaalada Boosaaso si loo hubiyo xaaladeeda caafimaadka.
Xeebaha ku dhow Boosaaso ayaa waxaa ka baxa doonyo ay la socdaan tahriibayaal isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan kuwaasoo doonaya iney galaan dalka Yemen oo isaga laftiisa ay mudooyinkan ka jireen dagaalo iyo duruufo kale oo nololeed.
Hargaysa Abriil 30, 2016 Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud “ Siilaanyo” ayaa xilalkii loogu qaaday Wasiirkii Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta iyo Taliyihii Ciidamada Badba ee Maamulkaasi.
Digreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Somaliland oo uu ku saxiixan yahay Madaxweynaha ayaa xilalkii loogu qaaday labadaasi masuul ee ka tirsan Maamulka Somaliland.
Xil ka qaadistaan labadaani masuul ayaa loo cuskaday ka dib markii ay fulin waayeen awaamiir horay ugu soo baxday Madaxtooyada Maamulka Somalilland.
Wasiirkii Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta ee xilkii laga qaaday ayaa lagu magacaabaa Maxamed Jaamac Abgaal, waxaana digreetada xilka loogu qaaday lagu muujiyay in ay og yihiin Wasiir ku xigeenka Wasaaradaasi, Agaasimaha guud iyo shaqaalaha Wasaarada.
Xilalka laga qaaday labadaani masuul ayaa waxaanan jirin cid kale oo lagu badalay labada masuul ee xilalka laga kala qaaday.
Digreetada ayaa lagu muujiyay in xil ka qaadista uu sameeyay Madaxweynaha Somaliland in uu og yahay Wasiirka Arrimaha gudaha ee Mamulkaasi.
Uganda Abriil 30, 2016 Dowladda Uganda ayaa madaxda Midowga Afrika kala hadleysa dib u dhaca mushaaraadka Ciidanka Uganda ee ka qeybta ah howlgalka midowga Afrika AMISOM ee ka socda Soomaaliya.
Afhayeenka Ciidanka Uganda Paddy Ankunda, ayaa u sheegay  Xinhua, in Dowladda Uganda ay wadahadal kula jirto Midowga Afrika si wax looga qabto Mushaarka Ciidanka Uganda ee jooga Soomaaliya oo aan la helin muddo bilo ah.
Ankunda,waxaa uu sheegay in 4 Bilood Ciidanka Uganda ee  jooga Soomaaliya aysan arag wax mushaar ah,taas oo uu sheegay in ay walaac ku abuurtay Dowladda Uganda oo Mushaaraadka Ciidankeeda jooga Soomaaliya uu qeyb ka yahay Miisaaniyadda dalkaasi.
Ciidanka Uganda ka jooga Soomaaliya ayaa gaaraya 6,000 oo Askari,kaas oo uu mid kasta Bishiiba qaato $1,028 Doollar,$200 oo ka mid ah Lacagtaas,waxaa jarata Dowladda.
Afhayeenka ayaa meesha ka saaray in qarash dhimista ay sameysay  Midowga Yurub aysan waxba u dhimeyn Niyadda Ciidanka AMISOM ee jooga Soomaaliya.
Uganda Abriil 30, 2016 Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay Siyaasiyiin ku dhow dhow mid kamid ah Musharaxiinta u taagan Doorashada, ayaa xaqiijiyay in Dowlada Ethiopia ay xooga saareyso in sida ay ku kulmin laheyd Musharaxiinta u taagan Doorashada Somalia.
Xogtu waxa ay sheegeysaa in Dowlada Ethiopia ay bilowday baadi-goobka Musharaxiinta la tartameysa Madaxweyne Xassan Sheekh si ay u hanato Siyaasada Mustaqbalka dhaw.
Musharaxiinta qaar ayaa la sheegayaa inay abaabushay Dowlada Soomaaliya, islamarkaana ay ka taageereyso dhanka doorashada, halka qaarna ay kala wataan Dowlado kale, waxaana iminka aad u sareeya Hamiga Dowlada Ethiopia oo miisaaniyadeeda ku bixineysa hanashada Somalia.
Dowlada Ethiopia ayaa qorshahaasi la sheegay inay ka damacsan tahay burburinta Siyaasadda Xassan Sheekh ee ku aadan Doorashada, waxa ayna xiligaani dhaliilsan tahay dib usoo laabashada Xassan Sheekh.
Lama oga halka ay Musharaxiinta u hogaaminayaan dalka Somalia oo ay hareeraha ka joogan Cadow badan.

WARARKA MAANTA Abriil 29, 2016
Su’aasha Maanta: Mashruucii Sucuudiga ee Soomaaliya oo loo leexshay Dowlad Gobaleedka Puntland? Yaase leeshay? Ka qaybgelkii Shirkii Ururuka Midowga Islaamka ee OIC ugama darin inay Dowladda Puntland hesho mashaariicdaas. $ 50 milyan ee loo ballanqaaday Ummadda Soomaaliyeed ma waxaa xaq u leh hal dowlad gobaleed mise waxay xaqu yahay in loo wadda qaybiyo dowlad gobaleedyada oo dhan!
 
Beledweyne Abriil 29, 2016 Ciidanka dowlada iyo AMISOM oo la wareegay saldhig ay Al-shabaab ku lahaayeen duleedka B/weyne
Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa shaaca ka qaaday inay maanta si nabad ah kula wareegeen saldhig ay Al-shabaab ku lahaayeen degaanka Ceel hele, oo qiyaastii 50-Km dhanka bari kaga beegan magaalada Beled weyne.
 
Dhame Muuse qurux oo ka mid saraakiisha hoggaaminaysa hawlgalkaasi ayaa xaqiijiyay inay xoogaga Al-shabaab halkaasi kaga carareen saanad Millitery oo isugu jirta, hub culus iyo mid fudud, 100 teendhooyinka ciidamada ah iyo raashiin fara badan.
 
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay inay soo dhoweyn diirran kala kulmeen shacabka halkaasi ku dhaqan, maaddaama ay dhibaato ku hayeen bulshada halkaasi ku dhaqan.
 
Ciidamada dowlada iyo AMISOM ayaa looga bartay iney maalmo ka dib ka soo baxaan meelaha ay ka qabsadaan Al-shabaab ee ku yaalla hareeraha magaalada B/weyne.
 
Beledweyne Abriil 29, 2016Qarax khasaare geystay oo ciidamo Itoobiyaan ah lagula eegtay tuulada Nuur Fanax ee gobolka Hiiraan
 
Ciidamada Itoobiya ee ku howlgala magaca howlgalka AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in qarax xoogan saaka lagula eegtay Tuulada Nuur Fanax oo ku dhaw deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan. Wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi uu sababay khasaare nafeed oo soo gaaray askar iyo shacab goobtaas ka dhowaa balse weli si rasmi ah looma xaqiijin karo tirakoobka dadka waxyeeladu soo gaartay.
 
Ciidamad Itoobiya ayaa xiray goobta qaraxa lagula beegsaday, iyagoo halkaas ka wada howlgalo lagu qabtay dad halkaas ku dhowaa oo ay ku tuhmeen iney qaraxaas ka dambeeyeen.
 
Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxan oo loo adeegsaday miino wadada dhinaceeda lagu aasay uu waxyeelo xoogan gaarsiiyey mid ka mid ah gaadiid ay wateen ciidamada Itoobiya.
 
Al Shabaab ayaa badanaa sheegata qaraxyada iyo weerarada lala beegsado ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada federaalka Soomaaliya ee ka dhaca gudaha Soomaaliya.
 
Muqdisho Abriil 29, 2016 Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo lagu qabtay maqaayad ku taala degmada Hodan ee G/banaadir
 
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay iney saaka magaalada Muqdisho ku qabteen Gaari ay saarnaayeen Hub iyo Walxaha Qarxa.
 
Saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay Gaari laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa oo la hordhigay Maqaayada Royal ee ku taala degmada Hodan ee gobolka Banaadir.
 
Waxaa la sheegay Gaariga walxaha Qarxa ay saarnaayeen noociisu ahaa kuwa raaxada, waxaana ciidamadu ay sheegeen in dad ku sugnaa maqaayada horteeda ay ka shakiyeen gaariga ka dibna ay ku soo wargeliyeen ciidamada amaanka.
 
Saraakiisha ciidanka dowlada ayaa sheegay in gaarigan la doonayey in lagu qarxiyo maqaayada horteeda oo ay fadhiyeen dad fara badan oo shacab ah balse ay ka hortageen waxayna xuseen iney furfureen qaraxyadii lagu soo xiray gaarigaasi.
 
Gaadiid sidan oo kale laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo la dhigay maqaayado iyo goobo kale ayaa dhowaanahan ciidamada amaanku waxay ka qabanayeen magaalada Muqdisho, iyagoo aan qarxin.
 
Nairobi Abriil 29, 2016 Warar badan ayaa laga faafiyay kulan magaalada Nairobi ka dhacay oo dhex maray siyaasiyiin iyo odayaal beesha Mareexaan metelayay iyo dowladda Kenya mas’uuliyiin ka socotay oo uu horkacayay wasiirka Amniga gudaha dalkaasi Joseph Nkaissery.
 
Arrintan oo dad badan ka yaabisay si dowlad deris ah iyo beel ka mida beelaha Soomaaliyeed xiriir noocaasi ah u dhex mari karo ayaa dadkii difaacay waxaa ka mid ahaa Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya C/weli Sheekh oo ku dooday in shirku ahaa shir Beesha yeelatay oo lagu casuumay wasiirka reer Kenya.
 
Sirta ka danbeysa shirka ayaa soo shaac baxday, taasoo ahayd in siyaasiyiinta iyo odayaasha Beesha Mareexaan ay magacooda ka fogeeyaan eeda loo jeediyay ee ah inay ka qeyb qaateen weerarkii Ceelcade ee 15 Janaayo 2015, waxayna Beesha Mareexaan in muddo ah raadinayeen inay iska fogeeyaan weerarkii Ceelcade ee lagu laayay askarta dalka Kenya oo hore guddi Baarlamaani ah oo Kenya ka tiran ku eedeeyay beesha Mareexaan inay lug lu lahayd, kulanka ayaa ahaa mid arrintaasi xal loogu raadinayay. https://www.youtube.com/watch?v=Dhj23jFS7IU
 
Muqdisho Abriil 29, 2016 Shirkada diyaaradaha Turkish Airlines oo horay u joojisay duulimaadyadii ay ku imaan jirtay magaalada Muqdisho ayaa imminka la filayaa iney dib u bilawdo.
 
Warbixino horu dhac ah oo ay warbaahinta qaar baahisay ayaa muujinaya in Turkiga uu weli isha ku hayo ammaanka Muqdisho, balse ay ka go’an tahay in shirkada ay dhaqsi u bilawdo duulimaadyadeeda tooska ah ee Turkiga ilaa iyo Soomaaliya.
 
Saraakiisha Shirkada ayaa qaatay go’aanka ah in marka hore la eego ammaanka Garoonka Aden Cadde iyo guud ahaan Muqdisho ka hor inta aysan shirkada bilaabin howlaheeda duulimaadyada.
 
Dhanka kale Shirkada ayaa bilawday duulimaadyadeeda Muqdisho 2012-kii ayaa hakisay bishii Febraayo ee sanadkan kadib markii uu qarax ka dhex dhacay gudaha diyaarada daallo Airlines.
 
War-murtiyeed ka soo baxay Shirka Qaran ee Horumarinta Hannaanka Cadaaladda Soomaaliya
 
Muqdisho Abriil 28, 2016 Shirka wada-tashiga qaran ee horumarinta Hanaannka Cadaaladda Soomaliya oo lagu qabtay Hotel Jasiira Magaalada Muqdisho taarikhda 25 – 28 Abril 2016, oo ay ka soo qeyb-galeen Wasaaradda Cadaaladda Dowladda Fedraalka, Maxkamadda Sare ee Dalka, Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Garsoorayaal iyo Xeer-Ilaalilayal, iyo sidoo kale Wasaaradaha Cadaaladda ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, qaar ka mid ah Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Sare ee heer Dowlad-Goboleed, Xeer-Ilaaliyaal iyo Garsoorayaal ka socda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka, Saraakiil sare ee ciidamada asluubta ee Heer gobol iyo Federaal , xubno ka mid ahUrurka Qareenada Soomaaliyeed. Shirka wada tashiga Qaran ee horumarinta hannaanka cadaaladda Dalka ayaa looga dooday arrimo la xiriira qaabaynta iyo horumarinta hannaanka cadaaladda:
Gabagabadii Shirka ka qeeybgalayaasha waxay soo jeediyeen arrimaha soo socda:
 
Waxay u mahadnaqeen Wasaaradda Cadaaladda ee Federaalka oo soo abaabushay barnaamijkan looga wada-tashanayo aayaha dalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka gaystay kaalmo farsamo iyo mid maaliyeed.
 
Qaab-dishmeedka Garsoorka
• Waxaa la soo jeediyey in la kala doorto hirgalinta labada qaab dhismeed ee
soo socda midkood:
• Nidaamka baahsan: oo tilmaamaya in Dowlad-Goboleedyadu yeeshaan maxkamad sare si ku cad Dastuurka Federaalka (Qod.108) islamarkaasna ay federaalku yeelan doonaan Maxkamad Sare. Awoodeedana lagu qeexo Xeerka Nidaamka Garsoorka.
• Nidaamka isku dhafan oo sheegaya in dowladaha xubinta Federaalku ka ah
yeeshaan derejada 1aad iyo 2aad. Oo awood u leh qaadista dhamaan dacwadaha Dowlada federalkuna yeelato Maxkamad Sare.
• Waxaa la soo jeediyay in diraasad dheeri ah lagu sameeyo faa’iidooyinka iyo khasaaraha ay yeelan karaan labada nidaam garsoor ee kor ku xusan si loo kal doorto.
Maxkamadda Dastuurka
• Dowlada Federalka waxa yeelanaysaa maxkamada dastuurka sidoo kale dowlad goboleedyada waxay mid kasta yeelanaysaa maxkamad dastuur ah.
• Iyadoo la eegayo xagga dhaqaalaha, garsoorayaasha tirada xafiisyada iyo qalbayntooda, waxaa la soo jeediyay in heer Federaal Maxkammadda Sare ee Federaalka ay qabato hawsha Maxkamadda Garsoorka sidoo kalana haddii la qaato nidaamka baahsan in Maxkamadaha Sare ee Heer Dowlad- Gobaleed ay sidoo kale qabtaan hawsha Maxkamadda Dastuurka.
Golaha Adeega garsoorka
• Waxaa la soo jeediyey in:
• Magaca golaha Adeega garsoorka lagu bedelo Golaha Sare ee Garsoorka.
• Waa in xubininmada Golaha Adeegga Garsoorka garyaqaanka Guud lagu bedelo Xeer-ilaaliyaha Guud
• Garsooraha sare oo lagu magacaabay gudoomiyaha Maxkamada Dastuurka lagu bedelo Gudoomiyaha Maxkamada Dastuurka. Sidoo kale Garsooraha Sare ee maxkamada sare lagu baddalo Gudoomiyaha Maxkamada Sare.
• In erayga labada garyaqaan lagu bedelo laba qareen.
Qeybta-Xeer-ilaalinta:
• Waxaa jiri doona Xeer-Ilaalin qaran ee u qaabishan oogidda dacwadaha heer federaal
• Waxaa sidoo kale jira Xeer-Ilaalin heer maamul gobaleed oo u qaabishan oogidda dacwadaha heer Dowlad-Gobaleed
• Tirada Ku-Xigeennada Xeer-Iaalinta Guud ee Qaran waa inay ku salaysnaata baahida loo qabo.
• Gobol kasta wuxuu yeelanayaa Xeer-ilaaliye Gobol oo heer Fedaraal ah.
• Waxaa la soo jeediyay inay lagama maarmaan noqoto si loo hubiyo hadba meesha ay ku haboon tahay qaab-dhismeeedka iyo la-xisaabtanka Xeerilaalinta in diraasaad dheeraad ah lagu sameeyo.
Qaab-dhismeedka Xeer-Ilaalinta Dowlad-Goboleedka:
• Qaab-dhismeedka Xeer-ilaalinta Guud ee Dowlad Goboleedka waxaa go’aansanaya Dowlad-Gobaleedka.
Waajibaadka iyo Awoodaha Xeer-ilaalinta:
• Dhaqaajinta dacwadaha ciqaabta iyo racfaan ka qadashada;
• Ka qeybgalka doodaha dacwadaha madaniga ah marka ay ku jirto danta guud;
• Kormeerida xabsiyadda;
• kormeerida iyo hagidda dambi baarayaasha iyo shaqo ka joojintooda haddii loo baahdo;
Ciidanka Asluubta
• Xabsiyada waxa ay noqonayaa kuwo isku dhafan;
• Iyadoo loo fiirinayo xaalada maanta jirta iyo sharciga lagu aasaasay Ciidanka Asluubtu waxa uu ka mid yahay Ciidamada Qalabka sida;
• Habka Qorista, Dalacsiinta, Tababarida, Abaalmarinta iyo Anshaxmarinta waxay kala mid yihiin ciidamada Qalabka sida;
• Habka Kormeerka iyo Kaalinta Xeer-ilaaliyaha waxaa la raacayaa sida xeerka uu qabo;
• Ciidanka waxaa haga Wasiirka Caddaaladda
• Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa u xilsaaran maamulka Xabsiyada;
• Taliyuhu ugu yaraan sanadkii hal mar waa inuu kormeeraa xabsiyada, warbixina usoo gudbiyaa Wasiirka Caddaaladda.
Masuuliyadda Wasaaradda Cadaaladda
• Waxay diyaarisaa siyaasadda cadaaladda dalka.
• Waxay Dowladaa kala talisaa arimaha la xiriira sharciga.
• Waxay ilaalisaa, hubisaana ku dhaqanka iyo ilaalinta sharciga.
• Waxay dib-u-habaysaa sharciyada ayna daraaseysaa; sidoo kalana waxay uruurisaa shuruucda dalka.
• Waxay diyaarisaa shuruucda qabyada ah ee la-xiriira hay’adaha cadaaladda ama shuruucda kale marka ay soo codsadaan hay’adaha kale ee federaalka ama dowlad goboleedyada.
• Waxay diraaseysaa sababaha keena fal-dembiyeedyada, waxayna uruurisaa xogaha ku saabsan dembiyada ee heer federaal.
• Waxay diyaarisaa isla markaana jaan gooysaa tababarada ku aaddan cadaaladda.
• Waxay hagtaa Ciidamada Asluubta.
• Waxay diyaarisaa shuruucda dalka ee leh saamayn Qaran.
• Waxay kaalmo farsamo siisaa, xiriir joogta ahna la yeelataa Wasaaradaha Cadaaladda ee Dowlad Goboleedyada.
• Waxay hubisaa sida ku cad Dastuurka in cidda u baahan ay hesho adeeg kaalmo sharciyeed oo ku haboon.
• Waxay daraasad ku sameeysaa nidaamka Cadaaladda ee Dhaqanka ku salaysan una diyaarisaa qaab-siyaasadeed ku haboon.
• Waxay kormeertaa shatina siisaanaa mihnadaha la-xiriira Garsoorka.
• Waxay isku xirtaa hawlaha kaalmada garsoor ee maxkamadaha caalamiga ah.
• Waxay kor loo qaado wacyiga bulshada ee dhinaca sharciga.
• Waxay diraasad ku samaysaa nidaamka cadaaladda ee dhaqanka ku salaysan waxayna u diyaarisaa qaab-siyaasadeed ku habboon.
Gabagabo iyo Mahadnaq
Wasaarada Cadaalada Dawlada Fadaraalka waxay u mahad celinaysaa dhamaan ka soo qaybgalyaasha shirka sida sharafta leh ay u aqbaleen casuumaadda ugana talo bixiyeen horumarinta hanaanka cadaalada dalka.
 
Dhamaan masuuliyiinta heer Fedaraal iyo Dowlad-Gobaleed waxay balanqaadeen meelmarinta qodobada laysku raacay ee kor ku xusan. Waana in la diyaariyaa siyaasad ka turjunta meelna marisa heshiikan.

WARARKA MAANTA Abriil 28, 2016

Su’aasha Maanta: Maxay tahay sababta ku kaliftay inuu Wasiitraka Arrimaha Dibadda deg deg ku aado dalka Ruushka? Jawaab waxaa laga sugaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya kaasoo Warqadaha ula saxiixo Jaajuus ka weyne ee Jaraal Gebra oo haatan ku dhex wareersan siyaasadda Soomaaliya.

London Abriil 28, 2016 Fanaaniinta kooxda Qeyladhaan ayaa soo saaray hees tiiraanyo iyo calool xumo badan iyagoo uga hadlay sababta dhalinyaradda Soomaaliyeed u haligayaan naftooda. Fanaaniinta Qeyladhaan ayaa heestooda ku muujiyay daruufaha ku xeeran tahriibka dhalinyaradda Soomaaliyeed oo dalkooda ka soo hayaamay markii ay ka waayeen cadaalad iyo rajaddii ay ku taamayeen. Heestaani waxeey noqoneysaa heesaha la soo saaray tan ugu saameeynta badan laakiin kuwa sheegta siyaasiyiinta Soomaaliyeed waxaa hubaala ineysan qalbigooda saameeyn ku yeelan doonin maadama aysan kala. https://www.youtube.com/watch?time_continue=6&v=KP0deJRFNfE

Moscow Abriil 28, 2016 Wasiirka Arrimaha Dibadda Mr. Tedros oo safar deg deg ah ku tagay Ruushka markii uu maqlay inay Ruushka diyaar u yihiin tababaro iyo hubka iibinta Dowladda Soomaaliya asagoo naxsan ayuu waxuu la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Sergei Labarov.

Masar Abriil 28, 2016 Tirada Maxaabiista Soomaalida ah ee ku jirta Xabsiga Xadra ee dalka Masar oo dhaca fogaan 30KM meel u jirta magaalada Iskandariya in ay gaareen 180-maxabiis sida lagu sheegay warbixin ay daabacday mid kamid ah hay’adaha xaquuqda aadamaha u dooda.

Dadkaasi maxaabista ah ayaa la soo qabtay iyagoo doonayay in ay ka amba baxaan dalka Masar si ay u gaaran Libya halkaasina ay ka raacan doomaha wax tahriibiya si loogu jiheeyo Koonfurta Yurub,dacwad oogayaasha ayaa u soo jeediyay in ay yihiin kuwo sharci daro kusoo galay wadanka.

Warbixinta waxa ay leedahay in %80 maxaabistaan aan wali sharciga la horkeenin balse qadiyadaasi ay xabsiga ugu jiraan.

Saraakiil lasoo xiganayo ayaa sheegay in maxaabista Soomalida ee ku jirta Xasiga Xadra ay wajahaan nolol aan wanaagsaneyn.

Waxaa xusid mudan in Soomali badan ay ku jiraan xabsiyada caalamka kuwaasi oo siyaabo kala duwan ugu eedeysan dambiyo.

Maraykanka Abriil 28, 2016 Maxkamad ku taalla Magaalada Dodge City ee Gobolka Kansas ee Dalka Mareykanka ayaa waxaa la soo taagay Labo Nin oo u dhashay Dalka Mareykanka kuwaas oo 3 Soomaali ah cusurinimo ugu weeraray Nagaalada Dodge City.

2Nin ayaa lagu eedeeyay in fal cusuriyad ah iyo weerar gacan ka hadal ahba kula dhaqaaqeen 3-da Nin ee Soomaalida ah oo Labo ka mid ah ay heystaan Dhalashada Mareykanka.

Labada Nin ee Weerarka geystay ayaa lagu kala magacaabaa Omar Cantero Martinez, oo 31 jir ah, iyo Armando Sotelo oo 24 Jir ah,kuwaas oo 19kii June ee Sanadkii hore Dhalooyin ay ku jiraan Gaas ku weeraray 3 Soomalai ah.

Haddii Raggaasi lagu helo Dambiga isir naceybka iyo weerarkaba ah waxaa uu kiiba muteysanayaa 10 Sano oo Xabsi ah iyo Ganaax Lacageed oo gaaraya $250,000 oo Doolarka Mareykanka ah kiiba.

Maxkamadda oo ah heer Federaal ayaa waxaa ku biirtay  FBI-da Mareykanka oo baaritaanka qeyb ka ah.

Dhadhaab Abriil 28, 2016 Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR) ayaa 10 Gaari oo nuuca Boolisku isticmaalaan waxey ku wareejisay Maamulka Gobolka Waqooyi-bari ee Dowladda Kenya.

Madaxa Hay’adda UNHCR ee Dalka Kenya, Raouf Mazou ayaa sheegay in Gaadiidkaasi ay adeegsan doonaan Saraakiisha Amaanka ee Dowladda Kenya, si loogu sugo amaanka Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Wakiilka UNHCR ee Dalka Kenya waxuu tilmaamay in mas’uuliyad ay ka saaran tahay sugida amaanka Dhadhaab maadaama halkaasi ay ku jiraan Kumaan Qaxooti ah.

Gaadiidkan ayaa sidoo kale waxaa lagu galbin doonaan Shaqalaha Hay’addaha Gargaarka ee ka howlgalla Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab, si loo sugo xaaladooda amaan.

Dhinaca kale, Xiriiriyaha Maamulka Gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, Maxamed Saalax ayaa sheegay in 10-kii billood ee ugu dambeeyay amaanka uu ahaa mid wanaagsan kadib markii wada shaqeyn ay dhexmartay Ciidamada amaanka iyo Dad Shacabka.

Xariiriye Maxamed Saalax ayaa waxuu tilmaamay in Xeryaha Qaxootiga Kenya ay weli soo gaarayaan Dad horleh maadaama qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya aan weli la nabadeyn, sida uu hadalka u dhigay.

Xukuumadda Nairobi ayaa dusha kaga tuurtay Ururka Al Shabaab ka dambeynta Weeraro iyo Afduub loo joogteeyay Saraakiil iyo Shaqaalo ka tirsan Hay’addaha Gargaarka qaarkoood ee ka howlgalla Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab.

Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Kenya, William Ruto ayaa dhowr jeer oo hore waxuu ku celceliyay in la xiro Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab maadaama Madaxda Kenya qaarkood ay aaminsan yihiin Weerarada qaar laga soo qorsheeyo Xeryahaasi.

Kumanaan Qaxooti ayaa haatan ku nool Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee Dalka Kenya, inkastoo ay jiraan in ka badan 5 kun oo Qaxooti Soomaaliyeed ah kuwaasi oo si iskood ah ugu soo laabtay qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.

Hargaysa Abriil 28, 2016 Wasaaradda Duulista Hawada Maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqday in la joojiyay mas’’liyiinta lagu soo dhaweeyo Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa.

Wasiirka Duulista Hawada Maamulka Somaliland Cumar Sheekh M,ax’ed Faarax,waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Maamulkaasi uu kala hadlay arrintaasi islamarkaana uu ka aqbalay,waxaana uu sidoo kale sheegay in Xibsiyada Mucaaridka ah ee Maamulkaasi uu warqad u qoray,taas oo lagu sheegayo in mas’uuliyiintooda aysan ku soo dhaweyn Karin gudaha Garoonka.

Waxaa uu sheegay in arrintan ay la xiriirto xaqiijinta Amaanka Garoonka Diyaaradaha ee Cigaal,waxaana uu sidoo kale sheegay in iyana la mamnuucay in Mas’uuliyiinta imanaya ay Shir Jaraa’id Warbaahinta ugu qabtaan  Gudaha Garoonka,waxaana uu ku amray in SHirarka Jaraa’id iyo Xafladaha ay Xisbiytada iyo mas’uuliyiintuba ku qabsadaan Xarumaha ay ka degganyihiin Magaalada Hargeysa.

Uganda Abriil 28, 2016Afhayeen u hadlay magaalada Nakiberat oo dhacda waqooyiga dalka Uganda ayaa sheegay in booliska ay baaritaan ay ku hayaan dilka qof ganacsade Soomali ah oo ku nool magaaladaasi.

Frederic Hambyna oo u xilsaran baaritanka ayaa shaaca ka qaaday in baaritanka horu dhaca ay muujinayan in kooxaha wax dhaca ama dukaamada booba ay ka dambeeyen dilka ganacsadaha.

Taliyaha booliska  gobolka Moto Morena oo magaalada ay ku taala ayaa sheegay in ninka la dilay lagu magacabao Aweys Macalim Cabdiraxman kana mid ahaa ganacsatada dahabka iibisa.

Soomalida Afrika ku ganacsatada aya iyagu la kulma dhibaatooyin kaga yimaada burcad madow ah oo ganacsigooda boob kula kaca mararka qaarna naftooda dhaafsiiya.

Hiiraan Abriil 28, 2016 Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf dabageed ayaa ka hadlay Shirka Maamulka loogu sameynayo Labada Gobol Ee Hiiraan iyo Shbellaha Dhexe iyo waliba Odayaasha ka maqan Shirka.

Guddoomiye Yuusuf Dabageed ayaa Xuysay in Meel fiican ay mareyso Dadaalada lagu Xalinayo Khilaafka ay tabanayaan qaar ka mid ah Odayaasha Gobolka Hiiraan ka soo jeeda ee aan qeybta ka aheyn ka qeyb galka Shirka Jowhar ka socda ee Labadasi Gobol Maamulka loogu dhidayo.

Yuusuf dabageed ayaa intaa ku daray in mar kasta oo Maamul la sameynayo uu jiro Khilaaf,balse waxaa uu rajo aad u buuran uu ka muujiyay inuu Shirka Maamulka loogu sameynayo Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan uu si wanaagsan ku dhamaan doono oo uu halkaa ka soo bixi doono Maamul ay dadku u dhan yihiin.

Riyadh Abriil 28, 2016 Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas , oo booqasho ku jooga boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa kulamo la qaatay Maal qabeeno waa weyn ee kasoo jeeda dalkaasi ay ku jiraan xubno kasoo jeeda Boqortooyada.

Madaxweyne Gaas ayaa Maal qabeenada uu la kulmay waxaa kamid ah hantiilayaal caan ah oo kasoo jeeda Qoyska Boqortooyada Sacuudiga ay kamid ahaayeen Amiir Suldaan bin Naasir bin Cabdicasiis Aala Sucuud iyo Waliid bin Dalaal bin Cabdicasiis Aala Sucuudi.

Maal qabeenada uu la kulmay Madaxweynaha Puntiland ayuu uga warbixiyay xaalada dalka Soomaaliya gaar ahana deegaanada uu ka taliyo ee Puntiland uu wax ka baray, waxa uuna ka dalbaday in ay gacansiiyaan maamulkiisa ayna maalgashi ka sameeyaan deegaanada Puntiland.

Waxa ay u balanqaadeen Madaxweyne Gaas Maal qabeenadii uu la kulmay in ay gacan ka siin doonaan dhinacyo badan ayna Puntiland ka hirgalin doonaan warshado yar yar oo wax soo saar si kor loogu qaado kaabayaasha dhaqaale.

Madaxweynaha Puntiland ayaa safaro uga maqan deegaanada Maamulkiisa waxa uuna safaro kala duwan ku tagay dalalka Itoobiya iyo Sacuudiga uu kala hadlayay arimo isaga iyo maamulka uu matalo u gaar ah.

Muqdisho Abriil 28, 2016 Waa waraysi xiiso badan oo lala yeeshay taliyaha laanta socdaalka iyo jnsiyadaha soomaaliya mr gaafow oo ka hadlay arrimo badan oo quseeya baasaboorka iyo ajaanibta ku sugan dalka.

Waa waraysi xiiso badan oo lala yeeshay taliyaha laanta socdaalka iyo jnsiyadaha soomaaliya mr gaafow oo ka hadlay arrimo badan oo quseeya baasaboorka iyo ajaanibta ku sugan dalka.

Gabadh Soomaaliyeed oo arintaasi ka cadhootay ayaa si adag ula hadashay Faysal Cali Waraabe, Iyadoo  sheegtay in marka ay iska dhiibaan Wadamada ay u tahriibaan, ay isku dhiibaan inay yihiin Reer Xamar ka yimid Koonfurta Somalia.

https://www.youtube.com/watch?v=uVFMZmfoR40

WARARKA MAANTA Abriil 27, 2016

Su’aal: Ma waxaa shaqayn waysay beentii ahayd waxaa i wadata beesga caalamka? Ummadda Soomaaliyeed way ka daashay waxaa I wadata beesha caalamka ee maxaad u qaban kartaa Ummadda Soomaaliyeed Mudane Musharax Madaxweyne? Khiyaanooyinkii Uurka Damu-Jadiid oo la sii wada kashifaayo maalmahan xitee qaar kamid ah ciidamadda iyo shaqaalaha Dowladda ay bannaanka keenayaa.

Muqdisho Abriil 27, 2016 Waxaa maalmahan dambe socday olole ballaaran oo uu waday madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed, taasi oo ku aadan doorashada la filayo in sanadkaan ay ka dhacdo dalka.

Sheekh Shariif dalka ma aanu imaan muddo Afar Sano ah, waxaana dalka ugu dambeysay wixii ka dambeeyay doorashadii dalka ka dhacday sanadkii 2012 ee isaga looga guuleystay.

Mudadaasi waxa uu soo xirxirayey dowlado badan oo taageera xooggan siiya, waxaana haatan uu haystaa kalsooni badan oo wadamada caalamka qaarkood ah, lagana yaabo in mar Labaad uu soo laabto.

Sheekh Shariif ayaa albaabo badan kasoo xiray Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ugu horreeya Albaabada Sacuudiga, Turkiga, Qadar, Yurub, Maraykanka iyo dowlado kale.

Xasan Sheekh ayaa dhawaan maciin biday dowladda Sudan, hase ahaatee warar hoose waxay sheegayaan in maalmo kadib halkaasi aadi doono Sheekh Shariif oo dalkaasi wax kusoo bartay, aadna saaxiib u yihiin Madaxweyne Albashiir.

Sheekh Shariif ayaa haysta ballanqaad dhanka dhaqaalaha ah, waxaana laga taageeri doonaa waxyaabo badan oo ku aadan dhanka Ololihiisa.

Muqdisho Abriil 27, 2016 Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa soo jeediyay fikrad cusub oo lagu soo dooran karo madaxweynaha Soomaaliya ee badalaya dowlada haatan dhisan.

Gudoomiye Tarsan ayaa sheegay in dhawaan shirkii madasha laga sheegay in xildhibaanada baarlamaanka ee imaanaya dhawaan ay soo dooran doonaan 13750 ruux oo ah fikrad fiican.

Balse Tarsan ayaa soo jeediyay in madaxweynaha Soomaaliya ay soo doortaan dadkaasi tirada badan, maadaama aan la helin balanqaadkii ahaa qof iyo codkiisa.

“Sida aan la socono waxaa la go’aamiyey in xildhibaan kasta ay soo doortaan 50 qof taas oo macnaheedu tahay 275×50= 13750, Waxaan arkii in ay aad ugu haboontahay in Madaxweynaha dalka in ay soo dortaan 13750 maadaama ay surageli weyse in la gaaro qof iyo cod, Si loo yareeyo laaluushka bahsan ee lagu soo doorto madaxweynaha in 13750 qof oo metelahaya bulsha weynta Somaaliyeed ay soo dortaan madaxweynaha dalka”ayuu yiri Tarsan.

Shirkii madasha ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa la isla gartay in xildhibaanada baarlamaanka ay soo xulaan tirada dadkaasi kadibna ay soo doortaan madaxweynaha imaanaya.

Muqdisho Abriil 27, 2016 Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka waxaa laga daraamayaa Olole ballaaran oo ku wajahan doorashada la filayo in dalka ay ka dhacdo sanadkaan 2016.

Mashquulka ayaa ah mid aan ku koobneen siyaasiyiinta xitaa qaar ka mid ah shacabka Muqdisho waa laga dareemayaa, waxaana magaalada au tahay mid hadda dad badani kusoo qulqulayaan.

Qurbo joog badan oo beelahooda ka doonaya xildhibaannimo ayaa magaalada soo buux dhaafiyey, waxaana sidoo kale aad u buuxsamay hoteellada ku yaalla Muqdisho.

Xodxodashada ayaa

ah mid aad u xooggan, waxaana maalin walbo casumaad lagu qabtaa Hoteellada iyo baararka waaweyn ee magaalada Muqdisho.

Sanadkaan dalka waxaa ka dhici doonta doorasho qof iyo cod ah, waxaana doorashadan ay tahay mid dad badani ay wada sugayaan, ayna dadku doonayaan isbedallo yimaada.

Muqdisho Abriil 27, 2016 Ilaa 4 Askari ayaa ku dhaawacmay kadib markii Kooxo hubeysan oo watay Laba Mooto oo nooca Bajaajka loo yaqaano ee saddexda lugood leh ay xalay bambaanooyin ku weerareen Hooyga Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka uu ka degan yahay Xaafad ka tirsan Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan Booliska Degmada Hodan ayaa Warbahintai u xaqiijiyay in bambaanooyin xalay lagu weeraray Hooyga Xildhibaan Aadan Ibraahim Dhaayoow.

Saraakiishan ayaa sidoo kale ayaa sheegay in Askarta dhaawacantay ay ka mid yihiin Ilaalada Xildhibaan Aadan Ibraahim Dhaayoow oo ka mid ah Mudaneyaasha Baarlamaanka Soomaaliya.

Qaraxa kadib Rasaas Xoogan ayaa laga maqlayay nawaaxiga Hooyga Xildhibaanka.

Xildhibaan Dhaayoow waxba kama soo gaarin Weerarkaasi bambaanada ahaa.

Kooxaha Weerarka geystay oo saarnaan Mooto nuuca loo yaqaano Bajaajka ayaa isaga baxsaday goobta.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka ee Dowladda Soomaaliya oo goobta soo gaaray ayaa bilaabay howlgallo amaanka lagu xaqiijinayo, inkastoo aan la soo sheegin hadii ay jiraan Dad la soo qab qabtay.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada Bambaanooyinkan xalay lagu weeraray Hooyga Xildhibaan Aadan Ibraahim Dhaayoow oo ka mid ah Mudaneyaasha Baarlamaanka.

Muqdisho Abriil 27, 2016 Fadeexad lagu lunsaday lacago loogu talogalay baahinta Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya ayaa hareeyay Wasaaradda Dastuurka xukuumadda Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa Qandaraas uga qaadatay Hay’adda Horumarinta Barnaamijyada ee UNDP in Dastuurka KMG ah la gaarsiiyo Gobollada Dalka, kuna qaadatay mashruuc weyn oo hanti badan lagu siiyay ayaa ku fashilantay, waxaana wasiirka Dastuurka xukuumada Soomaaliya Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen la sheegay inuu ku takri falay lacagtii loogu talogalay baahinta Dastuurka.

SHIRKII DASTUURKA EE BAYDHABA

Sida mashruuca UNDP kharashkiisa bixisay sheegayo waxaa shir kasta loo qoondeeyay lacag dhan ku dhow 100,000$. Wasiir Xuseen Badni ayaa qabtay ilaa iyo imink shir ka dhacay magaalada Baydhaba, waxayna dadkii qabanqaabiyay shirka ay sheegeen in shirka oo dhami ay ku baxday lacag ka yar 20,000$, iyadoo shan meelood afar, lacagtii shirkaasi ay jeebka u gashay Wasiirka iyo kaaliyihiisa ay heshiiska ku yihiin oo ah agaasimaha Wasaaradda Maxamed Abuukar Zubeyr.

SHIRKII MUQDISHO EE DASTUURKA

CABASHADA SHAQAALAHA & KU TAKRI FALKA HANTIDA WASAARADDA

Xubno ka socda Hanti dhowrka Qaranka ayaa maanta tegay xarunta Wasaaradda Dastuurka ee magaalada Muqdisho iyagoo xiray wasaaradda isla markaana baaritaan lama filaan ah ku bilaabay markii ay ku amreen shaqaalaha wasaaradda inay dibadda ka joogaan wasaaradda inta uu baaritaanka ku socdo.

Lama oga saameynta ay arrintani ku yeelan doonto shirka weyn ee dib u eegista Dastuurka oo lagu waday in horaanta Bisha May oo ka dhaco magaalada Garowe.

Muqdisho Abriil 27, 2016 Sida ay sheegeen illo xog ogaal ah Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wada qorshe cusub oo qeyb ka ah ololihiisa doorashada Somalia ee Sanadkaan 2016-ka waxaana uu si gaar ah u dal-baday la kulanka Odayaasha hogaanka u haya beelaha waaweyn ee Somalia.

Madaxweynaha Somalia Xasan sheekh ayaa la sheegay in Odayaasha qaar uu hor dhigi doono inay kala shaqeeyaan arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan ololaha, halka qaarna uu kala hadli doono arrimo ka xiriira dhanka Baarlamaanka cusub.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa iminka dalka dibadiisa ugu maqan howlo la xiriira arrimaha doorashooyinka, waxaana lagu wadaa in xiligaani iyo wixii ka danbeeya uu si toos ah ugu g

Muqdisho Abriil 27, 2016 Qoraal kasoo baxay xafiiska wakiilka Midowga Yurub ee Somalia Michele Chevvone ayaa lagu sheegay in midowga yurub uu ku saxan yahay go’aankii dhawaan kasoo baxay ee ahaa in mushaar dhimis lagu sameyo Ciidanka Amisom %20.

Qoraalka kasoo baxay Michele Chevvone oo u muuqday mid lagu difaacayay go’aanka midowga yurub ayaa sheegay in AMISOM ay qiima dhimistaasi ku wargaliyeen muddo hadda laga joogo sanad waxa uuna cadeeyay in go’aankaasi uusan aheyn mid si degdeg ah lagu gaaray.

Wakiilka Midowga Yurub ee Somalia Michele Chevvone, waxa uu sheegay in Ururka Midowga Africa ay in muddo ah soo daadihiyeen balse iminka ay u muuqato inay jiraan duruufo taagan oo bedel u baahan.

Michele Chevvone, waxa uu ku dooday in EU-da ay sanad waliba bixin jirtay dhaqaale dhan 200 million oo Dollar, balse waxa uu tilmaamay in miisaaniyadaasi ay iminka hoos u dhacday.

Michele Chevvone, waxa uu ku dooday in dhimista 20%, ay go’aansadeen bilowday bishii Janaayo ee sannadkan, isaga oo intaa raaciyay in go’aankaasi uu yahay mid laga mideysan yahay oo aan cid gaar ah khuseyn.

Qorshaha La dagaalanka Al-shabaab ayuu sheegay inay mas’uuliyad ka saaran tahay Africa oo idil, isaga oo si gaar ah dusha uga saaray Ciidamada Dowlada iyo Dowladaha ay Ciidamada ka joogan Somalia.

Nairobi Abriil 27, 2016 Magaalada Nairobi waxaa lagu soo gabagabeeyay shir muddo saddex maalin ah u socday madax ka tirsan Dowladda Kenya iyo wufuud kala duwan oo ka socday beesha Mareexaan ee degta gobolka Gedo, waxaana heshiiskaasi laga soo saaray warmurtiyeed qeexaya waxyaabihii laga wadahadlay ee ay labada dhinac ku heshiiyeen.

Dhinaca beesha Mareexaan xubnaha u matalayay waxaa ka mid ahaa C/Weli Sheekh Axmed oo horay Dowladda Soomaaliya Ra’iisal Wasare uga soo noqday, Cabdi Faarax Shirdoon oo ahaa Ra’iisal Wasaarihii ugu dambeeyay ee lagu bedelay Cumar C/rashiid, waxgarad, Isimo iyo odayaal dhaqameed ka soo jeeda beesha Mareexaan.

Dowladda Kenya waxaa uga qeyb galay Wasiirka arrimaha gudaha Joseph Nkaissery iyo madax kale oo u dhashay Soomaalida Kenya, waxaana lagu soo afjaray gebi ahaanba khilaaf in muddo ah ka dhex taagnaa labada dhinac.

Heshiiska dhex maray Dowladda Kenya iyo beesha Mareexaan ma jirto cid u mataleysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, bacdamaa kulanka uu u dhaxeeyay madaxda dalalka deriska ah xitaa safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi kama soo qeyb gelin.

Marka la eego ahmiyadda uu heshiiska u leeyahay labada dhinac ayaa muujinaya uun inuu meesha ka baxay khilaafkii beesha kala dhaxeeyay dowladda Kenya, hase yeeshee ma cadda weli ujeedada Dowladda Kenya ka leedahay heshiiska oo ah in beesha Mareexaan degaanadeeda uga soo duulin maleeshiyada Al-Shabaab.1-32-300x451 2-22-300x451 3-20-500x333 4-18-300x451 5-19-500x333 6-14-500x333 7-10-500x333 8-7-500x281 9-7-500x333 10-8-500x333 11-7-500x333 13-1-500x333 14-1-500x333 heshiis-2-768x970

WARARKA MAANTA Abriil 26, 2016

musharax

Muqdisho Abriil 26, 2016 As the clock ticks towards the historic elections in Somalia also challenge and fear of the Presidential candidates in the war torn state increases.

Incumbent President Hassan Sheikh is scratching his head after reports emerged confirming one of his close friend and family member in the field.

Jibril Ibrahim Abdulle who is the pioneer of Centre for Research and Dialogue (CRD) has shown interest in the August elections.

Centre for Research and Dialogue (CRD) that is sister NGO to US based War torn societies project was instrumental in the peace, conflict resolution and help in the implementation federal system in new Somalia.

Following the reports of Jibril candidacy members of the family from President Muhamud who also relative and close friend CRD pioneer are trying stop his candidacy to safeguard Sheikh Muhamud second term.

It is not clear how it will end who will be convinced to abandon the race to Villa Somalia but what is very clear is that the road to Somali Presidential Palace is becoming tough as time goes.

Reports have confirmed to Radio Dalsan that Mr. Jibril is set to resign from his position as director of CRD to intensify his Presidential campaign.

Qaramadda Midooway Abriil 26, 2016 Qaramada Midoobe ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya looga baahanayahay in  ay sare u qaaday garsoorka dalka oo ay sheegeen in uu hada hooseeyo .

khabiiro  madexbaan ayaa sheegay in jiraan falalka kufsiga ah  oo ka dhacay Soomaaliya sidaas darteena loo bahanyahay in la dhiso ciidan gaar ah oo loo tabaray baarista iyo dabagalka Falal kufsiga ee ka dhacay Soomaaliya.

Khabiirka madaxa bannaan ee Qaramada Midoobe  ugu qaabilsan xaaladda Xuquuqda Aadanaha ee Somalia, Bahame Tom Mularya waxa u uku baaqay Dowladda Federalka in sare loo qaado Awoodda Hay’adaha Garsoorka iyo Ciiddanka Boliska si ay gacanta ugu soo dhigaan fal-dembiyeedyadda kufsiga.

Bahame Tom Mularya  ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in walaac ka muujinayaan  arinta xalinta odayaasha dhaqanka,mararka dhacaan falalka kufsiga ku saleysan ,taas waxa uu sheegay in ay cadaalad daro ku tahay haweenka Soomaaliyeed.

Muqdisho Abriil 26, 2016 Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Saldhigga Bari ee Degmada C/casiis ee Gobolka Banadir ku Qarxiyay Qaraxyo badan oo Maalmihii dambe ay soo qabteen Ciidamada Ammaanka.

Saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliyeed ayaa Warbaahinta u sheegay in Qaraxyada la qarxiyay ay ahaayeen kuwo Maalmihii dambe lagu soo qabtay Howlgalo Ciidamada Ammaanka ay Muqdisho ka fuliyeen,kuwaas oo maanta lagu Qarxiyay Saldhigga bari ee Muqdisho.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in Ciidamada Amniga Soomaaliya Maalmihii dambe ay gacanta ku soo dhigeen Gawaari Qaraxyo lagu soo raray oo Siyaabo kala duwan loo qabtay islamarkaana ay yihiin Qaraxyada maanta la qarxiyay kuwaas.

Hayeeshee Ciidamada Ammaanka ayaa Qaraxyada ay Gacanta ku dhigaan ku qarxiya si Nabad galyo ah,maadaama la doonayo in Shacabka laga badbaadiyo Waxyaabahaasi Qarxa.

Muqdisho Abriil 26, 2016 Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in khilaaf adag uu iminka ka dhextaagan yahay Guddoomiyaha BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia.

Wararku waxa ay sheegayaan in khilaafka uu ka dhashay hanaanka la doonaayo in Beelaha dega Koonfur Galbeed loo gaarsiin lahaa xubinimadooda BFS.

Waxaa jira warar sheegaya in Jawaari uu aad uga carooday dibin daabo uu Shariif Xassan la damacsan yahay beelaha qaar oo iyagu dacwad ka ah Madaxweynaha maamulka.

Guddoomiyaha BFS Jawaari ayaa isaga aad uga soo horjeeda in Beelaha ku hoos-nool maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia la kala qaad-qaado islamarkaana la kala faquuqo, waxa uuna awoodiisa isugu geynayaa sida beelaha halkaasi wada dega ay ku heli lahaayen xuquuq siman oo aysan dhicin in beelaha qaar laga tago.

Waxaa cabsi laga qabaa in Khilaafka ka dhextaagan Jawaari iyo Shariif Xassan uu saameyn xoogan ku yeesho ololaha doorashada Xassan Sheekh Maxamuud iyo in Xassan Sheekh uu codad ka helo Xildhibaanada Koonfur Galbeed uga mid noqon doona BFS.

Madaxweyne Xassan ayaa aad ugu tashanaaya Shariif Xassan Sheekh Aadan, waxaana suuragal ah in xurgufta ka dhextaagan labada mas’uul uu hoos u dhigo rajada Xassan Sheekh, maadaama Xassan iyo Jawaari ay uu sii xoogeystay xiriirkooda.

Ma cadda sida lagu qaboojin lahaa Khilaafkaani taagan, inkastoo ay suuragal tahay in Xassan Sheekh uu xal u raadiyo, bacdamaa ay saameyn ku yeelankarto

Muqdisho Abriil 26, 2016 Wara hada naga soo gaaray xaafada suuqa xoolaha degmada Hilwaa ee gobolka banaadir ayaa waxaa uu sheegayaa in kooxo hubeysan ay goordhow halkaasi ku dileen Askari katirsan Ciidamada Dowlada.

Dad goob joog ahaa oo aanu la hadlanya ayaa unoo sheegay in dilka ay geysteen 2 ruux oo bistoolado ku hubeysan kuwaas oo dilka kadib isaga baxsaday halkii ay ku dileen Askariga.

Maamulka Degmada Hilwaa oo aan isku deynay in aan wax ka weydiino Dilka ayaa inoo suura gelin hase ahaateen Askriga la dilay ayaa waxaa uu ka mid ahaa ciidamada Fariisinka ku leh Nawaaxiga Biyo Degeenka Suuqa xoolaha.

Janaale Abriil 26, 2016 Saraakiil ka tirsan Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa inoo Xaqiijiyay in Ciidamada Huwanta ah ay dagaal la’aan la wareegeen Degaanka Janaale ee Gobolka Sh/Hoose.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa horay sidaan oo kale la wareegay Degaanka Janaale,balse la wareegid ka dib wey iskaga soo baxeen.

Dadka ku nool Degaanka Janaale ayaa dhibane u noqday Ciidamada Dowladda & kuwa AMISOM oo isku dhinac ah & Shabaab oo deegaankaas dhowr jeer isku bed bedelay  gacan ku heynteeda.

Wararka qaar waxaa ay sheegayaan in Al-shabaab ayaa Duleedka Degaanka Janaale ku sugan yihiin kuwaas oo la sheegay in ay halkaa isku Aruursanayaan.

Muqdisho Abriil 26, 2016 Musharax Xildhibaan Midane Saciid Cabdilaahi Deni oo kashifay musuqmaasuqa ay ku shaqayso hoggaanka Damu-Jadiid ee Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh hoggaamiyo https://www.youtube.com/watch?v=7WKypIW8w0MSu;aal: Yaa noqon doona Madaxweyne 2016?
Muqdisho Abriil 26, 2016 Shacabka Soomaaliyeed 96.7% ayaa u coddeeyey inuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud ku guul-darraystay hoggaanka dalka isla-markaasna aysan rabi inuu isku ceebeeyo isu-soo sharaxida Jaggadda Madaxweynenimi 2016.

Cilmi-baaris weyn oo lagu ogaaday inay Soomaaliya u baahan tahay Madaxweyne da’yar oo haysta Shahaada heerka seddexaad ee Jaamacaddeed taasoo loo yqaqaano “Doctorate ama PhD) kaasoo waxuu u qabtay Ummadda Soomaaliyeed gudaha dalka iyo dibadda ay muuqdaan si loogu aamino masiirka Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha 2016 ay dooran doonaan Ummadda Soomaaliyeed waa inaysan waddan ama aynan hor boodayn dowladdaha deriska iyo kuwa caalamiga ah.
Muqdisho Abriil 26, 2016 Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa xaqiijinaya in uu Ra’iisulwasaaraha dawladda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake maanta hortagayo mudanayaasha baarlamaanka ee Soomaaliya, iyadoo la horgeyn doono Heshiisyadii gashey Madasha Wadatashiga ee Hogaamiyaasha dalku leeyihiin.
Ra’iisulwasaaraha ayaa la hadli doona baarlamaanka oo la aaminsan yahay in uu yahay labo qeybood oo heshiiska siyaabo kala gedisan u aragta, waxaana su’aalo laga weydiin doona arrimaha heshiisyada madashu gashey.
Hogaamiyaasha Siyaasadda Soomaaliya ayaa horey iskugu raacay in Heshiiskii la gaaray la horgeeyo baarlamaanka Soomaaliya si ay u Ayidaan oo kaliya, waxaase suuragal ah in ay dood galiyaan.
Sidda muuqata Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya oo aan la dhacsaneyn sida ay uga wax uga socdaan arrimaha madasha Wadatashiga ayaa laga yaabaa in uu dood galiyo arrimaha Heshiisyadii horey loo gaaray, isagoo xooga saaraya in qodobada qaarkood wax ka bedel lagu sameeyo.
Puntland ayaa aaminsan in haddii dood lagaliyo qodobada heshiiskii Madasha ay ka dhigan tahay ama wax ka bedel lagu sameeyo ku xadgudub lagu xadgudbay heshiisyadii la galay, loona baahan yahay in aan marnaba laga weecan wixii lagu heshiiyey, ee ay goobjoogayaasha ka ahaayeen Wakiilada Beesha Caalamka.
Xuduuda Galgaduud Abriil 26, 2016 Dadka Meydadkood la helay ayaa u badnaa caruur,Haween & Dad Waayeel ah kuwaas oo ka carari waayey Rasaasta meesha ka dhaceysa kadib markii dagaalka uu dushooda ka qarxay.
Ciidamada Liyuu Booliiska ayaa gacanta ku dhigay Dadkaas Caruurta & Dumarka isugu jira iyagoona si wadar ah u dilay dabadeedna  si naxariis darro ah ugu daba xiray gawaari oo ku jiiday ilaa jirkoodu go go’ay sida warqaad.com uu u xaqiijiyey Cismaan Macalin Xersi oo dadka deegaanka ka mid ah.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada Liyuu Booliis ay khafaasheen caruur ,Haween & Dad u badan 80 Jiro kuwaas oo ilaa hada geeri iyo Nolol lagu la yahya ciidamada Deegaan ayaana baadi goob ugu jira.
Audio Player

Masar Abriil 26, 2016 Dawladda Masar waxay baahisay sidda la xaqiijiyey macluumaad ku saabsan da’ayarta Soomaaliyeed ee galaysa dalkooda, haddana helayo Visaha dal kugalka ee Masar, waxa ayna shaaca ka qaaday macluumaad balaaran oo arrimahan la xariira.
Qoraal ay siwada jir ah u soo saareen Safaaradda Masar ee Muqdisho & Wasaaradda Arrimaha dibada ee Masar waxaa lagu sheegay magacyada Sadex masuul oo katirsan dawladda Soomaaliya, kuwaas oo lagu eedeeyey in ay dhabarka u ridan doonaan masuuliyadda dadkii ku dhintay Biyaha u dhaxeeya Masar & Yurub.
Seddexda masuul oo kala ah, Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Axmed Maxamed Cali Kadiye, Wasiiru Dowlaha Khaalid Cumar iyo Xoghayaha Joogtada Ah Cali Maxamed Cali ayaa waxaa bixiyeen in ka badan 800 oo ah waraaqo looga codsanaayo visaha dalka ku galka dalka Masar.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar Axmed Abu Zeid ayaa ku tilmaamay in masuuliyadda dadka ku dhammaaday badda Masar aay dhabarka u dhigan doonaan seddexda masuul ee kor ku xusan.
Mr, Abu Seid wuxuu sheegay in dawladda Soomaaliya looga baahan yahay baaritaano deg deg ah oo la xariira dhacdadii 470 qof oo Soomaali u badan ay ku dhinteen Biyaha u dhaxeeya Masar & Talyaaniga, isagoo sheegay in ay dadkaas badankooda iyo Tahriibintooda qeybta ugu badan ku lahaayeen shaqsiyaadka la magacaabay hadda.
Muqdisho Abriil 26, 2016  Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, C/fataax Cumar Xalane, ayaa wuxuu  sheegay in xog uu helay Maamulka Gobolka Banaadir, ay suurta-gelisay in gacanta lagu soo dhigo Xasan Maxamed Siyaad (Xasan Fanax).
“Maamulka Gobolka Banaadir oo xog ka helay halka uu ku sugan yahay Xasan Fanax, ayaa sababtay in gacanta lagu soo dhigo. Si nabdoon ayaana gacanta loogu soo dhigay ninkaasi, ma jirto wax khasaaro ah oo ka dhashay.” Ayuu yiri Afhayeenka.
Afhayeenka, ayaa wuxuu sheegay in Dowladda Somaliya ay lacago ku raadineysay Sarkaalka ka tirsanaa Ururka Al Shabaab, loona ballanqaaday in la siinaayo dadkii xog ka keena.
“Ninkan abaalmarin lacageed ayay Dowladda Somaliya duldhigtay in la siin doono cidii keenta macluumaad lagu soo qaban karay ninkaasi.” Ayuu yiri C/fataax Cumar Xalane.
Xalane, ayaa yiri “Shan kun oo dollar ayaa la siinayaa dadkii suurta-geliyay soo qabashada Xasan Fanax. Dowladda Somaliya kama been sheegto ballanqaadyada ay u samayso shacabkeeda.”
Xalane, ayaa cadeeyay in Maxkamad la horkeeni doono Xasan Fanax, isagoo ku eedeeyay inuu hormuud ka ahaa weeraro lagu dilay dad Somaliyeed.
Unicef Abriil 26, 2016 Hay’adda caruurta u qaabilsan Qaramada Midoobe ee UNICEF ayaa sheegtay in ay hoos u dhacay khatarta cudurka Malaariyadda gudaha Soomaaliya.
UNICEF waxa ay sheegtay in Soomaaliya ay hoos u dhacday dadka uu soo ridanaayo cudurka Maalariyadda  ama la ildaran ,waxayna Beesha Caalamka ka codsatay in Soomaaliya laga taageero  in la dabar gooyo cudurkaas.
Wakiilka  Hay’adda UNICEF ugu qaabilsan Arrimaha Soomaaliya , Dr. Anirban Chatterjee oo War qoran ka soo saaray magaalladda Nairobi  ee caasimada Kenya waxa uu ugu baaqay  shacabka  inuu qof kasta kaalin ka qaato La-dagaalanka Malaariyadda ka jirta Soomaaliya  oo uu xusay inay hoos u dhacday.
“waan ognahay wali waa jirtaa khatarta cudurkaas,laakiin adduunka waxaan u sheegaynaa in ay hoos u dhacday khatarta iyo waxyeelada malaariyadda” ayuu yiri Dr. Anirban.
Hadalka UNICEF ayaa kusoo aadaya xili shalay ay ku beegneyd maalinta loo  asteeyey Maalinta Malaariyadda Caalamka
Marka Abriil 26, 2016 Ka dib wada hadalada nabadeed ee laga dhex bilaabay beelihii ku dagaalamaayay Magaalada Marka iyo qaybo kaloo ka mid ah gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxay taasi rayn rayn gelisay shacabka reer Marka.
Heshiis horudhac ah oo beelahaasi ay Axadii ku wada gaareen xarunta Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxaa ka mid ahaa in labada maleeshiyo la kala qaado, lana isu furo isu socodkii Magaalada.
Tani waxaa soo dhaweysay bulshada ku nool Magaaladaasi, iyadoo dadkii dhiilada colaadeed ku barakacayna ay qaarkood bilaabeen dib inay guryahoodu ugu soo laabtaan.
Yaxye Macalin Aweys oo ka mid ah dadka degan Magaalada Marka, ayaa Warbaahinta u sheegay qoysaskii ku barakacay xiisaddii Magaaladaasi inay hadda dib ugu soo laabanayaan aqaladooda.
Inkastoo sida uu Yaxye sheegay aan si rasmi ihi loo dhaqangelin heshiiskii horudhaca ahaa ee labada dhinac wada gaareen, ay hadana dadku rajo ka qabaan dhaqangalka heshiiskaasi.
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax), ayaa beelahaasi ku ammaanay sida ay u soo dhaweeyeen in laga gudbo xiisaddii ka taagneyd Magaalada lagu naaneyso (Marka Cadey).
Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxaa ku soo noq noqday ismaandhaafka u dhaxeeya labadaasi beelood, iyadoo ayna burburiyeen heshiisyo ay horay u wada gaareen
Saudi Carabiya Abriil 26, 2016 Dawlada Sacuudiga ayaa sheegtay in ciidamada ay hormuudka u yihiin ee Isbahaysana ee ku sugan dalka Yemen ay dileen illaa iyo 800 oo dagaalame oo ka tirsanaa ururka Al-Qacida kadib dagaal shalay ka dhacay magaalada Xadramuud la yiraahdo oo Yemen ku taala.
War militryga Sacuudiga kasoo baxay ayaa lagu sheegay in dagaal xoog lahaa oo ka dhacay shalay galinkii dambe magaalada Xadramuud inay ku jabsheen ururka Al-Qacida oo magaaladaas muddo haystay.
Wakaaladda wararka SPA oo warkaan lagu qoray waxaa ay sheegtay in meydadka dagaalamayaal tiro badan oo Al-Qacida laga dilay inay magaalada daadsanyihiin waxaana warku intaa ku darayaa in ciidamada dawlada Yemen ay magaalada haystaan.
Sidoo kale warkaan militariga Sacuudiga kasoo baxay waxaa lagu sheegay in ciidamadu kusii socdaan magaalada kale ee Mukkalah la yiraahdo.
Warkaan laguma soo hadal qaadin khasaaraha dagaalkaasi kaasoo gaaray dhanka ciidamada huwanta ah ee dagaalka galay.
Muqdisho Abriil 26, 2016 Iyadoo la galay xaaladda kala guurka ah ee dowladda Federaalka, isla markaana qarka loo saaran yahay doorashada xilalka sare ee dowladda cusub ayaa waxaa soo baxaya inay kala furanayaan siyaasiyiin isu dhowaa iyo soo shac bixitaanka isbahayeso siyaasadeed oo cusub.
Waxaa ugu dambeeyay in mid ka mida xubnaha Golaha wasiirada ee aadka ugu dhowaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, laguna tilmaami jiray gacan-yaraha madaxweynaha ee dhinaca maaliyadda ay isku dhaceen, kuna kala tageen siyaasadda xilligii ugu adkaa madaxweyne Xasan Sheekh.
Wasiiru Dowlaha Maaliyadda xukuumadda Federaalka C/llaahi Maxamed Nuur oo ahaa wasiir mar kasta xilkiisa ku soo noqonayay saddexdii xukuumadood ee laga hoos dhisay Xasan Sheekh iyo ganacsade ka qeyb ka leh Hotelka City Palace ee magaalada Muqdisho ayaa ka si toos ah uga hor yimid qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh ee maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Sababta khilaafka Xasan Sheekh iyo C/llaahi Maxamed Nuur ayaa salka ku haya shirka Jowhar iyo cidda noqoneysa madaxweynaha maamulka aan lagu heshiin ee Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan, waxaana shirkii ugu danbeeyay oo horaantii bishan dhex martay beesha Wasiir C/llaahi iyo madaxweyne Xasan Sheekh ku dhamaaday guuldarro lagu kala tegay markii Xasan Sheekh la soo shir tegay inuu xilka madaxweynaha maamulka labada gobol la doonayo C/qaadir Cosoble Cali, kana biyo diiday taladii Wasiirka iyo beeshiisa.
C/llaahi Maxamed Nuur ayaa la sheegay inuu khilaafkaas dartiis dalka uga dhoofay, isagoo hoosna ka wada qorshe lagu fashilinayo shirka Jowhar, waxaana si rasmi ah ay u kala furteen saaxiibkii ay siyaasadda saddexda sano iyo barka ay ahaayeen.
Arrintan ayaa loo arkaa jug kale oo ku dhacday madaxweynaha Xasan Sheekh oo olole ugu jira in mar kale loo doorto xilka Madaxweynaha Soomaaliya. Waxayna kooxda Madaxweynaha ka cabsi qabaan inuu mar kale la safto Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay qaraabo dhow yihiin, isla markaana siyaasadda ku soo daray, isla markaana xiriir toos ahi ka dhaxeeyo.
Muqdisho Abriil 26, 2016 Wasiirkii hore Wasaarada Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir ayaa ka hadlay sababta dhalinyarada Soomaaliyeed ay ugu dhamaanayaan badaha iyaga oo doonaya iney Tahriib ku galaan Yurub.
Waxa uu sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed aysan u tahriibin Sabab Dhaqaale iyo mid Ammaan toona balse ay tahay Aragtida
Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in Dhalinyarada Soomaaliyeed ay aaminaan dalkooda isla markaana aysan ka Tahriibin.
Waxa uu sheegay in Dowlada federaalka Soomaaliya looga baahan yahay in ay muujiso kaalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dalka iyo welibo ka qeyb galka Siyaasada.

London Abriil 26, 2016 Madaxweynaha Dalka Maraykanka Mudane Baraak Obama oo su’aallo laga weydiiyey Soomaaliya ayaa runta ka sheegay inaysan Madaxda Soomaaliyeed diyaar u ahayn sidii ay dalka nabad uga dhigi lahaayeen asagoo caddeeyey inuu gacmo furan ku wsoo dhaweeyey Dowladda Soomaaliya balse Madaxda dalka aysan rabi inay si cadaalad ah wax ugu qabtaan Ummadda Soomaaliyeed asagoo sheegay inay Dowladda Maraykanka ka fiirsan doonta taageradda iyo dhaqaalaha ay siiso Dowladda Soomaaliya.

WARARKA MAANTA Abriil 26, 2016

Muqdisho Abriil 25, 2016 Musharax Xildhibaan Midane Saciid Cabdilaahi Deni oo kashifay musuqmaasuqa ay ku shaqayso hoggaanka Damu-Jadiid ee Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh hoggaamiyo https://www.youtube.com/watch?v=7WKypIW8w0MSu;aal: Yaa noqon doona Madaxweyne 2016?

Muqdisho Abriil 25, 2016 Shacabka Soomaaliyeed 96.7% ayaa u coddeeyey inuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud ku guul-darraystay hoggaanka dalka isla-markaasna aysan rabi inuu isku ceebeeyo isu-soo sharaxida Jaggadda Madaxweynenimi 2016.

Muqdisho Abriil 25, 2016 Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa xaqiijinaya in uu Ra’iisulwasaaraha dawladda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake maanta hortagayo mudanayaasha baarlamaanka ee Soomaaliya, iyadoo la horgeyn doono Heshiisyadii gashey Madasha Wadatashiga ee Hogaamiyaasha dalku leeyihiin.

Marka Abriil 26, 2016 Dawlada Sacuudiga ayaa sheegtay in ciidamada ay hormuudka u yihiin ee Isbahaysana ee ku sugan dalka Yemen ay dileen illaa iyo 800 oo dagaalame oo ka tirsanaa ururka Al-Qacida kadib dagaal shalay ka dhacay magaalada Xadramuud la yiraahdo oo Yemen ku taala.

Marka Abriil 26, 2016 Wasiirkii hore Wasaarada Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir ayaa ka hadlay sababta dhalinyarada Soomaaliyeed ay ugu dhamaanayaan badaha iyaga oo doonaya iney Tahriib ku galaan Yurub.

Waxa uu sheegay in Dowlada federaalka So
omaaliya looga baahan yahay in ay muujiso kaalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dalka iyo welibo ka qeyb galka Siyaasada.

WARARKA MAANTA Abriil 25, 2016

Muqdisho Abriil 25, 2016 Xildhibaan Cabdirashiid oo ah Guuddomiya Guddiga Barlaamanka ee Gaadiidka oo sheegay inuu R/W. Somaliya wuu ku fashilmay howlihii loo igmaday asagoo kashifay Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Puntland Dr. Cabdiweli Gaas warqad uu ku aqoonsaday Maamul Gobaleedka Khaatumo markii uu Raysal Wsaare ka ahaa dalka. Xildhibaan Cabdirashiid oo ah Guuddomiya Guddiga Barlaamanka ee Gaadiidka oo raaciyey wax tar la’aanta xukuumadda haatan fadhiidka noqotay ee jabinaysa dastuurka dalka taasoo go’aan deg deg ah ay Golaha Baarlamaanta ka qaadan doonaan khaladaadka ay ka gashay Ummadda Soomaaliyeed.

https://www.youtube.com/watch?v=B-WWpwjQnBQ

Muqdisho Abriil 25, 2016 Siyaasiga Salada Cali jeele Ayaa Siweyn waxa Uu uga Hadlay xaalka dalka halka Uu maraya ,Iswagoona Ku eedeyey madaxda Faderalka Fashilka Amaanka Dalka Ka Jira.salaad cali jeele Waxa uU Sheeegay Inaysan Jirin cid amaanka dalka Gacanta Ku haya magaalada Muqdisho iyo cid maamusha taana. https://www.youtube.com/watch?v=Plx9T2o1G2s

Muqdisho Abriil 25, 2016 Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyinihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo labaduba ku sugan dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Riyadh. Labada nin ayaa isla faaqiday xaaladda Soomaaliya iyo doorashada madaxtinimada Soomaaliya ee dabayaaqada sanadkan dhaceysa.

Siyaasiyiintan ayaa hore u ahaa Madaxeweyne iyo Ra’iisal wasaare isla soo shaqeeyay xiligii ugu danbeeyay ee dowladii Ku meelgaarka.

Hase ahaatee waxay siyaasadda ku kala tegeen markii C/weli Gaas uu si buuxda u taageeray Xasan Sheekh Maxamuud xiligii doorashada 2012, isagoo xildhibaanada kale ugu baaqay inay doortaan isbedelka oo uu ula jeeday Xasan Shiikh.

C/weli Gaas ayaa markan olole weyn ugu jira inuusan dib u soo laaban Xasan Sheekh, halka Shariif Sheekh Axmed uu yahay musharax madaxweyne, waxaana labadaba ay ka mideysan yihiin inuusan dib u soo laaban Xasan Sheekh.

Muqdisho Abriil 25, 2016 Ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka NISA ayaa xalay ka soo qabtay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir sarkaal sare oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab. Xasan Maxamed Siyaad (Xasan Fanax) ayaa waxaa horey lacago kumanaan dollar ah madaxiisa u dul saaray dowlada Somalia taasoo loo balan qaaday in la siinayo cidii keenta xog keeni karta in la qabto ama la xiro.

Sarkaalkan ayaa waxaa laga soo qabtay guri uu degenaa oo ku yaala degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, wuxuuna ka mid ahaa saraakiisha Al-shabaab ee taageersan in lagu biro kooxda Daacish.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa warbaahinta u xaqiijiyey soo qabashada sarkaalkan ka tirsanaa Al-shabaab.

“Howlgalka lagu soo qabtay Xasan Fanax si nabadgelyo ah ayuu ku dhamaaday mana jirin wax iska horimaad ah oo dhacay, baaritaan ka dibna maxkamad ayaa la soo taagi doonaa” ayuu yiri afhayeenka gobolka Banaadir.

Muqdisho Abriil 25, 2016 Maalmihii la soo dhaafay  Waxgaradka iyo Odayaasha ka soo jeeda Gobolka Banaadir waxaa ay cabasho ka ahaayeen Xaqii ay la heyd Magalada Muqdisho oo ay ku nool yihiin dad lagu qiyaasay ilaa 3 Milyan oo Ruux.

Odayaasha Reer Muqdisho ayaa  Dowladda Soomaaliya  ku Eedeeyay in xaqii ay laheyd Magaalada Muqdisho ay ku raali galisay Maamulada Puntland iyo Somaliland.

Nabadoon Maxamed xasan Xaad iyo Buule Janaqow oo ka mid ah Odayaasha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Gobolka Banaadir uu yahay Hooyada Gobolada Soomaaliya Hooyaduna aysan weyn karin Xaqii ay laheyd.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan sheegay in Maqaamka Magaalada Muqdisho ay yeelaneyso hadda la wado Dhawaana la soo gudbin doono.

Muqdisho Abriil 25, 2016 Beelihii ku dagaalamay Sh/hoose oo qodobo hordhac ah ka soo saaray shir dib u heshiisin ah oo uga furmay Marko

Waxaa magaalada Marko ee gobolka Sh/hoose ka furmay shir dib u heshiisin ah oo loo qabtay beelihii mudooyinkan colaada soo laalaabatay ay ku dhexmareysay qeybo ka mid ah gobolkaas. Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose Mudane Ibrahim Aadan Cali ayaa shaaca ka qaaday in heshiis nabadeed oo hordhac ah ay gaareen labada beelood.

Waxa u Guddoomiyaha Gobolkaasi sheegay in shalay magaalada Marka laga heshiis lagu soo afjarayo colaaddii u dhaxeysay beelihii ku dagaalamay degaanno ka tirsan gobolkaasi.

Qodobada hour dhaca u ah heshiiskaasi ayaa waxaa ka mid ah Xabad joojin, In labada maleeshiyo beeleed la kala geeyo baro cayiman, meelaha ay ka baxaan amnigoodana lagu wareejiyo ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM, in shacabka isdhexgali karo dhinacba dhinac kale iyo inn magac qabiil la isku adeegsan iyadoo colaad lagu hurinayo.

Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose Mudane Ibrahim Aadan Cali ayaa sheegay in shirkan dib u heshiisiinta ah uu soo abaabulay maamulka koonfur galbeed ujeedkiisuna uu yahay in la soo afjaro colaada gaamurtay ee ka taagneyd mudooyinkan gobolka Sh/hoose.

Labadan beelood ayaa horey loo dhex dhigay heshiisyo lagu soo afjarayo colaada u dhexeysa kuwaasoo aan guuleysan, lamana oga waxa heshiiskan cusub uu kaga bedelnaan doono kuwii hore.

Colaada u dhexeysa ayaa gaartay meel adag, waxayna maleeshiyooyinkan labada beelood ku kaceen gabood falo ay kula kaceen shacab aan waxba galabsan oo haween iyo caruur ay ku jiraan kuwaasoo heybtooda awgeed loo beegsaday.

Riyaadh Abriil 25, 2016 Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyada Federaaliga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadey rajada uu ka leeyahay in uu mar kale ku soo laabto kursiga madaxweynenimada Dalka.

Shariif ayaa sheegay in uu yahay Musharax u taagan jagada Madaxweynimada, marka dhowaan la gaaro doorashada Madaxweynaha, taasi oo la qorsheynaayo in ay ka dhacdo gudaha dalka.

Wuxuu sheegay in ololahiisa doorashada uu bilaabayo, isagoo rajo aad u wanaagsanna ka muujiyey in uu ku guuleysan doono.

Mudooyinkii ugu dambeeyay Sheekh Sharif waxa uu olole iyo dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo uu taageero ugu raadinayo musharaxnimadiisa ka waday wadamo dibada ah.

Wuxuu sheegay in uu dhowaan Booqan doono deegaano kala duwan oo dalka Soomaaliya ah, Socdaalkaani oo loo maleynayo in uu ku raadinayo Kalsooni iyo taageero.

Waxa uu ku sugan dalka Sacuudiga, halkaasi oo madax kala duwan iyo dad magic leh uu kula kulmey, isla markaasina uu kala Hadley qorshihiisa.

Dhinaca kale, wuxuu ka tacsiyeeyey geeridii naxdinta laheyd ee  ku timid dhalinyaradii Soomaaliyeed ee  ku dhimatay  badda

Sheekh Shariif wuxuu sanado  madaxweyne ka ahaa Dalka Soomaaliya, xilli dowladiisu ay ahayd dowlad ku meel gaar ah, hase yeeshee, waxaa looga guuleystey doorashadii ugu dambeysay ee dalka ka dhacdey, taasi oo uu xasan Sheekh Maxamuud ku helay Cod.

Markii uu waayey Xilka Madaxweynenimada ayuu Sheekh Shariif Dalka isaga tegey, isagoo mudooyinkii ugu dambeeyay ku noolaa Dalka Mareykanka.

Waxaa dhowaan la filayaa in hawada la soo geliyo bog loogu talo galay ololaha doorashada madaxweyne Shariif, sida ay baraha internet-ka dhowaan ku shaaciyeen qaar ka mid ah taageerayaashiisa howlahaasi u qaabilsan.

Shariif waxa uu soo hogaamiyay Midowgii Maxkmadaha oo mar la dagaalamey hogaamiye kooxeedyadii ka dhisnaa, Awoodana ku lahaa meelo dalka ka mid ah, wuxuu sidoo kale hogaamiyay Isbahaysigii Asmara oo markii dambe wada hadalka la galay dowladii uu Madaxweynaha ka ahaa C/laahi Yuusuf Axmed.

Ma aha Sheekh Shariif Kaliya Ragga u xusul duubaya Jagada Madaxweynenimada Soomaaliya, iyadoo qaarkood ay horey ugu hungoobeen jagadaasi.

Muqdisho Abriil 25, 2016 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Somaliya ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirkii Boostada Iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federalka Somaliya Guuleed Xuseen Qaasim. Digreeto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ayaa lagu cadeeyay xi ka qaadista Wasiirkaasi, waxaana xilkaan loo magacaabay Maxamed Jaamac Mursal oo noqday wasiirka cusub ee wasaaradda boosatada iyo isgaarsiinta.

Digreetada ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ayaa lagu cadeeyay markii uu arkay qodobka 97 farqadiis 1aad , 2aad iyo 3 aad ee dastuurka (KMG) jamhuuriyadda federaalka Markii uu arkay; xeer Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka oo lambarkeeddu yahay 72, kuna taarikheysan 17/12/2014 kuna saabsaneyd magacaabisteyda ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Markii uu arkay  baahida loo qabo tayeynta joogtada ah ee golaha wasiirada ayuu go’aansaday in uu sameeyo magacaabis iyo xil ka qaadis.

WARARKA MAANTA Abriil 24, 2016

Muqdisho Abriil 24, 2016 Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud oo ku baaqay inay Dowladda Itoobiya si deg deg ah u joojiso xasuuqa ay ku hayso shacabka Soomaaliyeed ee degan deegaanka xuduuda labada dalka haddii kale uu dacwo u gudbin doono Madaxkamadda Caalamiga ee Dembiyadda iyo Qaramadda Midooway. Muqdisho Abriil 24, 2016 Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay dad badan inay ku dhinteen dhowr jeer dagaalkaas dadka lagu soo barakiciyey hadda ka hor.

Muqdisho Abriil 24, 2016 Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay inuusan u dulqaadan doonin daadaasiga iyo xasuuqa ay Ciidanka Dowladda Itoobiya ee loo yaqaano Luu Booliis ay caadaysteen xasuuq shacabka Soomaaliyeed ee dega gobaladda dhexe.

Muqdisho Abriil 24, 2016 Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud oo la hadlay Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa u sheegay inaysan gudaha u gelin xuduudka Itoobiya Ciidamadda Soomaaliya ee ku sugan goballada dhexe asagoo ka codsaday inay ku sugnaadaan ciidamadda Soomaaliya gudaha xuduudka Somaaliya.

Muqdisho Abriil 24, 2016 Afhayeenka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Prof. Maxameed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in waxyaabaha ugu muhimsan ee kalfadhiga 8aad ee baarlamaanka looga hadlaayo ay tahay qaabka doorashada Soomaaliya qaadatey in la horkeeno Baarlamaanka si looga dhigo sharci.

Jawaari ayaa ku timaamey heshiiskii Muqdisho ka dhacay mid siyaasadeed, laakiin u baahan in sharci iyo xeer jira laga dhigo.

Hoggaamiyaasha madasha sare oo uu ku jiro Jawaari ayaa ku heshiiyey 12 Abril 2016 qaabka doorasho ee dalka Soomaaliya qaadanayso sanadkan 2016, kadib muran soo jiitasmaayey muddo 6 bilood ah.

Jawaari oo ka qaybqaadanayey barnaamij ka baxay Radio Muqdisho ayaa sheegay in 26 bishan ay Raysalwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharmaake ka sugayaan in uu baarlamaanka horgeeyo war murtiyeedkii Madasha ee doorashoyinka 2016.

Ma muuqato sabab baarlamaanku wax uga bedalaayo go’aanka Madasha ee ilaa Qaramada Midoobey laga soo dhaweeyey, iyada oo in badan oo ka mid ah Xildhibaanadu u xusul duuban yihiin in dib ay u so noqdaan, waqtigoodina uu ka harsan yahay wax ka yar 4 bilood.

Muqdisho Abriil 24, 2016 Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga ay geystaan Tacadiyo kala duwan,kuwaas oo loo geysto Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa ka hadlay Guddiga Arrimaha Gudaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiye Kuxigeenka Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga Daahir Aamiin Jeesow ayaa sheegay in aysan jirin Cid ay kala Xisaabtamaan Tacadiga Ciidamada AMISOM ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada AMISOM ayaa Dadka Shacabka ah ee ku nool Soomaaliya waxaa ay ku hayan Dilal Joogto ah,iyadoo ay ugu dambeysay Nin Oday ah oo Shalay Ciidanka AMISOM Gaadiidkooda Qafilan ay ku jiireen Isgoyska KM-4 ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Horaantii Bishaan ayey aheyd markii Ciidamada AMISOM ay Afar Ruux ku dileen Degaanka Buula-mareer ee Gobolka Shabellaha Hoose,inkastoo AMISOM ay Dilkaa Raali galin ka bixisay kuna sheegtay mid si kadis ah u dhacay.

Baydhabo Abriil 24, 2016 Qarax Bam ayaa Xalay lagu tuuray Maqaayad ku taalla Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay,waxaana ka dhashay Dhimasho iyo Dhaawac.

Inta la og yahay Hal Qof ayaa ku dhintay Qaraxa,waxaana ku dhaawacmay ilaa 10 kale.

Guddoomiyaha Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay Maxamed Cabdi Nuur ayaa sheegay in Qaraxa lagu soo tuuray Dad Shacab ah oo ka Casheynayay Maqaaxi ku taalla degmada.

Dadkii Weerarka ku dhaawacmay ayaa waxaa loo qaaday Isbitaalka Magaalaada Baydhabo,halkaa oo lagu Dabiibayo Xaaladooda Caafimaad

Sacuudi Carabiya Abriil 24, 2016 Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas, ayaa gaaray dalka Sacuudiga halkaasi oo uu kulamo kula qaadan doono Madaxda dalkaasi.

Madaxweyne Gaas ayaa waxaa socdaalkaasi ku wehlinaaya tirro mas’uuliyiin ah kuwaasi oo goobjoog ka noqon doona wada hadalada u dhexeeya Madaxweyne Gaas iyo Dowlada Sacuudiga.

Ilo wareed ka tirsan wafdiga Madaxweyne C/wali Gaas ayaa inoo xaqiijiyay in socdaalka uu yahay mid ku qotoma dhowr arrin oo ay kamid tahay arrimaha Ganasiga iyo xiriirka maamulka Puntland iyo Sacuudiga.

Ilo wareedka ayaa intaa ku daray in Madaxweyne Gaas uu xoogiisa isugu geyn doono dhanka ganacsiga, oo ahmiyad gaar u leh Puntland waxaana kamid ah arrimaha ku xeeran socdaalkiisa sida :

1-Xoojinta ganacsiga sida dhoofinta xoolaha nool iyo wax soo saarka.
2-Xoojinta Ciidamada maamulka Badda iyo Bariga.

3-La dagaalanka Argagixisada sida Al-qaacidda iyo Daacish iyo waliba Kooxaha Shiicada ah ee hubaysan ee ku sugan dalka Yeman oo Puntland la leh xuduud dhinaca badda ah.

4-In Puntland laga saacido dhismaha xarumaha maamulka sida Wasaaradaha iyo Saldhigyada.

Madaxweyne Gaas ayaa dalka Sacuudiga ku sugnaan doona muddo 3 maalmood ah, waxaana lagu wadaa in socdaalkiisa kadib uu Saxaafada la wadaago wixii usoo qabsoomay.

Docda kale, Dowlada Sacuudiga ayaa kaalin weyn ka qaadata koboca dhaqaale ee Puntland, waxa ayna inta badan ka saacidaa dhismaha xarumaha Ciidanka.

Galgaduud Iyo Xuudka Abriil 24, 2016 Gobolka Galgaduud gaar ahan Xaduudka Gobolkaasi uu la wadaago Itoobiya waxaa Saaka dib u Qarxay Dagaal Culus oo udhexeeya Ciidamada Liyuu Boolis & Dad Shacab ah oo halkaa ku nool.

Wargeyska Daily Star ee ka soo baxa magaalladda London ayaa qoray in 10 ka tirsan Ciidanka SAS Special Forces oo aad u hubeysan ku sugan yihiin Xero fog oo ku taalla dhinaca Waqooyi ee magaalladda Muqdisho.

London Abriil 24, 2016 Daily Star ayaa intaas ku daray inay Ciidanka SAS Special Forces ay si caadi ula dagaalamaan Al-shabaab. Iyagoo gacan siinaya ciidamada Midowga afrika ee AMISOM.

Wargeyska Daily Star, waxa kale oo uu qoray in Ciiddankaasi oo aad u hubeysan loogu talagalay inay inay joojiyaan Hawlgalladda Alshabaab ka wadaan gudaha Soomaaliya.

Ciidanka gaarka ah ee Britishka ee ku sugan duleedka Muqdisho ayaa la sheegay inay isla shaqeynayaan Ciiddanka gaarka ah ee Maraykanka (Delta Force) kuwaasoo hagaya duqeymaha Diyaaradaha Maraykanka ee saldhigooda ku yaallo dalka Jabuuti ku hayaan Al-shabaab.

Ciidan kale oo ka socda Britain iyo dalalka Midowga Europe ayaa tababar siiya Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka oo isku diyaarinaya iney guluf dagaal ku qaadaan Alshabaab.

Ra’isal wasaaraha Ingiriiska Devid Cameron ayaa Sanadkii hore sheegay in dowladdiisu ay Soomaaliya u direyso 70 Askari, kuwaasoo dowladda Soomaaliya ka taageeraya la dagaalanka Al-Shabaab.

Uganda Abriil 24, 2016 Baarlamanka Uganda ayaa ka walaacsan niyadjabka iyo hufnaan la’aanta ciidanka Uganda ee ku sugan Somaliya kana mid ah howlgalka Midowga Afrika si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab.

Sida laga soo xigtay Guddiga Difaaca iyo Arrimaha Gudaha Baarlamaanka dalka Uganda mushaarka ciidanka Uganda ee jooga Somaliya ayaa toos loo qaadan muddo dhan 4 bilood, iyagoo ku jira dagaalo culus iyo weeraro is qarxin ah oo ay kala kulmaan Al-shabaab.

Guddiga Difaaca iyo Arrimaha Gudaha Baarlamaanka Uganda, ayaa tilmaamay in Xukuumadda looga baahan yahay in ay dib u eegaan shuruudaha joogitaanka ciidanka Uganda ee jooga Somalia, isla markaana ay gartaan doorka howlgalka Midowga Afrika ee Somalia.

Dhawaan Ururka Midowga Yurube EU waxa uu sheegay in ay dhimeen %20 dhaqaalaha ciidanka Midowga Afrika AMISOM, taasna waxay walaac ku beertay dowladda Uganda.

Askariga ka tirsan ciidamada Amisom ayaa wuxuu qaataa dhaqaalo badan oo aysan helin kuwa Somalida iyo xuquuqo dheeraad ah oo Askar waliba AMISOM ka tirsan uu ka helo Beesha caalamka.

Dowladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya Abriil 24, 2016 Yaasiin Cabdi Waris madaxa amniga ciidamada Liyuu Boolis ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ku eedeeyey maamulka Galmudug ee dalka Somalia inuu ka dambeeyo dagaalka maalintii labaad ka socda degaanka Dacdheer ee gobolka Galgaduud.

Waxaa uu sheegay in maleeshiyo ka tirsan Galmudug iyo Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen ciidamada Liyuu Boolis ee ku sugan nawaaxiga Dacdheer dagaalkuna uu sidaa ku bilowday.

“Maleeshiyada Galmudug iyo Al-shabaab oo isgarabsanaya ayaa dagaalka Dacdheer soo qaaday waana ku jebinay oo khasaare xoogan ayaan gaarsiinay” ayuu yiri Yaasiin Cabdi Waris.

Waxaa uu sheegay in dhinacooda uu kaga dhintay dagaalka hal askari oo ka tirsan ciidamada Liyuu Boolis ayna jiraan dhaawacyo soo gaaray dadka degaanka qaarkood.

“Waan sii wadeynaa dagaalka inta maleeshiyada Al-shabaab iyo Galmudug laga sifeynayo degaanka khasaaruhuna dhankooda ayuu ku badan yahay” ayuu yiri madaxa amniga ciidamada Liyuu Boolis ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Maamulka Galmudug ayaan ka jawaabin illaa hadda eedeymaha kaga yimid dhinaca maamulka dowlada degaanka Soomaalida Itoobiya.

Ankara Abriil 24, 2016 Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdalla Xuseen oo ay wehliyaan madaxa hogaanka saadka ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda ayaa magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga kula kulmey dhiggiisa Turkiga.

Mas’uuliyiintan ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo muhiim ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin siidi Wasaaradda gaashaandhigga Turkiga gacan uga geysan lahayd dib u dhiska Xarunta Wasaarada difaaca Soomaaliya, labada mas’uul ayaa waxa ay sidoo kale ka wada hadleen xoojinta ammaanka xeebaha Soomaaliya oo dhawr mar laga qabtey hub sid sharci daro ah, waxaana labada mas’uul ay isku raaceen in la dhiso ciidamada badda oo loo dhameeystiro qalabka.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Cabdalla Xuseen ayaa sheegey in Wasaarada difaaca ee Turkiga ay kala hadleen tababarada ciidamada xoogga dalka iyo in ay ka taageeraan la dagaallanka kooxaha argagixisada iyo in dib loo soo nooleeyo hantidii uu lahaan jirey ciidamada xoogga dalka oo ay ka mid yihiin Warshadihii ciidanka xoogga dalka.

Wasiirka gaashaandhigga Turkiga, Cismad Yalmas ayaa ballan-qaaday inuu gacan ka geysan doono dadaallada ay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ugu jirto dib u soo nooleynta ciidamada Xoogga dalka ee Soomaaliya.

Muqdisho Abriil 24, 2016 GudDoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka  soomaaliya Mahad Cabadala Cawad ayaa soo jeediyay in inta uu socdo ka hadalka sharcigan aysan aheyn in laga hadlo qorsho kale balse ay muhiim tahay in dhan loo dheeliyo sharciga Axsaabta dalka .

“Waa muhiim inaan arintan oo ah mid siyaasadeed aan dhinac iska dhigno si ay u muuqato inaan dalka u sameynayo sharci ay ku dhismaan asxaabta siyaasadeed sida ku cad hishiiska bulshadda Ama dastuurka dalka ee aanan wali laga saarin qabyadda.”

Ugu dambeyn, Ka-hadlka sharciga axsaabta ee baarlamaanka horyaalo waxaa dhinac socdo xisbiyo siyaasadeed oo wadanka ka sameysmayo balse su’aasha taagan ayaa ah sharcigan iyo xisbiyadda siyaasadeed ma noqon doonaan kuwa isla jaanqaaado.

WARARKA MAANTA Abriil 23, 2016
Brada Abrill 23, 2016 Madaxweynaha Ururka Is-Bahaysiga Suxufiyiinta Soomaaliyeed (ASOJ) Dahir Calasoow oo fariin u diray mushariixta jaggadda madaxweynenimadda asagoo runta sheegaya Madaxwyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud oo ku fashilmay hoggaaminta Ummadda Soomaaliyeed muddaddii uu madaxweynaha ka ahaa Soomaaliya taasoo ay dadka ka sii qaxayaan dhowr arrimood awgeed sida shaqo la’aan, amni la’aan, dowlad musuqmaasuqda wax walba iyo wixii lamid ah. https://www.youtube.com/watch?v=u2BJ2f8jU0E
Muqdisho  Abriil 23, 2016 Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan magaalada muqdisho gaar ahaan Xarunta golaha shacabka. Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa ka hadlaya qodobo ay ka mid yihiin mooshinkii laga gudbiyay dhismaha maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
Sidoo kale Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ka doodaya sharciga Axsaabta oo mudooyinkii dambe soo maray marxalado kala duwan.
Kulankii ugu dambeeyay ee Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxa uu ku soo dhamaaday Buuq iyo Fowdo ka dib markii Xildhibaanada ay ku kala aragti duwanaadeen Ajendayaasha iyo ansixintoodaba.
Muqdisho  Abriil 23, 2016 Ciidamada NISA ayaa soo bandhigay ilaa 2 gaari oo mid kamid ah ay dhinacyadu fuqsan yihiin kaasi oo la sheegay inuu qarxay, halka kan kale ay la socdeen maleeshiyaad hubeysan oo falal amni darro ah damacsanaa.
Labadaani gaari ayaa waxaa la sheegayaa in xogta lagu qabtay ay lahaayen dad shacab ah kuwaasi oo bilowgii hore ka shakiyay gaadiidka, kadibna lagu arkay wixii looga shakiyay.
Ciidamada oo faah-faahin ka bixinaayay qaabka ay u qabteen ayaa sheegen in labadan gaari oo noocyadoodu kala ahaa NOAH iyo SPACIO, oo midka NOAH ah laga soo buuxiyay walxaha qarxa, halka midka kalana ay la socdeen laba nin oo ka tirsan Ururka Al Shabaab.
Sir Culus Abriil 23, 2016 War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in guux Siyaasadeed uu ka dhashay Socdaalka Ra’isul wasaare Cumar uu ku gaaray magaalada Moosko ee dalka Ruushka.
Wararku waxa ay tibaaxayaan in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uusan la socon Safarka RW CC uu ku gaaray magaalada Moosko ee uu kula kulmay Madaxda Dalkaasi.
Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Ra’isul Wasaare Cumar ayaa isla ogaa keliya inuu ka qeybgalo shirka dalalka Islaamka ee kusoo dhamaaday Dalka Turkiga, hayeeshe Cumar C/rashiid waxa uu horay usii aaday dalka Ruushka taasi oo fajac ku noqotay Xassan iyo Madaxda kale ee dalka.
Socdaalka Sharmaarke ee Moosko ayaa waxa uu sidoo kale dhabar jab culus ku noqday Wasaarada arrimadda Dibadda oo socdaalkaasi wax laga weydiiyay hayeeshee aan jawaab ka bixin, waxaana lasoo sheegayaa in Sharmaarke uu magaalada Istanbuul kala xiriiray Safaarada Ruushka isaga oo halkaasi ka helay casuumaada sidaana kusii aaday Moosko.
Madaxweyne Xassan oo ku guda jira ololihiisa doorasho ayaa aad uga carooday Safarkaasi waxa uuna durbo xiriir la sameeyay Guddoomiyaha BFS oo iminka ah ku-simada Madaxweynaha iyaga oo isla dajiyay qorsho aan biyo dhiciisa la ogeyn, balse waxa ay xogtu bidhaamineysaa in Sharmaarke loo tashtay, islamarkaana lala sugaayo dib usoo laabashadiisa Muqdisho.
Docda kale, Sharmaarke ayaa isna la hadal hayaa inuu yahay Musharax u taagan qabashada xilka madaxtinimo ee Somalia, taasi oo si gaar ah u saraqaaday dareenka Xassan.
DC Abriil 23, 2016 Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Wareysi siiyay Idaacada VOA ayaa Markii ugu horeysay ka hadlay Wararka sheegaya in Dowladda Itoobiya ay Xirtay Wabiga Shabelle oo biyo yareeyay Bilihii la soo dhaafay balse hadda Biyo keenay.
Madaxweynaha ayaa sheegay in itoobiya aysan marnaba  xiran karin Biyaha Wabiga islamarkaana aysan dhigeyn Qawaaniinta Caalamiga ah Arrintasai.
Wabiga Shabelle  ayaa bilihii la soodhaafay  biyo yaraan keenay,waxaana sidoo kale Goboalda dalka ee uu maro Wabiga uu ka sameeyay Guritan.
Maamulka Somaliland Abriil 23, 2016 Dalka Turkiga waxaa wada hadallo  Ku wada qaatay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland,waxaana wada hadalladaan ka qaybgalaya Aqoonyahanno labada dhinac ah oo dood ka yeelanayay  sida ugu fudud ee lagu dhameyn karo muranka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Dowladda dhexe iyo Maamulka Somaliland.
Wasiir ku xigeen Wasaaradda arrimaha dbadda Maamulka Somaliland Axmed Aadan Ismaciil,ayaa beeniyay wararka sheegaya in Wadahadallo hoose ay u socdaan Dowladda dhexe iyo maamulka Somaliland.
Hadalka beeninta Wasiirku waxaa uu yimid kadib markii xubno ka tirsan Mucaaridka Maamulka Somaliland ay sheegeen in Xukuumadda Somaliland ee hadda jirta ay wadahadl qarsoodi ah kula jirto Dowladda Federaalka,kaas oo ka dhacay Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga.
Todobaadkii hore ayaa aqoon yahanno ka kala socday Dowladda dhexe iyo maamulka Somaliland waxaa y ku kulmeen Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga,waxaan wadahadalladaas isku dubba ridday Hay’ad madaxbanaan oo laga leeyahay Dalka Turkiga.
London Abriil 23, 2016 Madaxwaynaha dalka Maraykanka oo booqasho ku jooga Ingiriiska ayaa shacabka dalkaasi ugu baaqay inay cod bixinta soo socota u codeeyaan kasii mid ahaanshaha midowga Yurub, Obama waxaa uu sheegay hadii Ingiriisku kabaxo midowga Yurub inuu Ingiriisku Lumin doono miisaankii uu lahaa,
Masar Abriil 23, 2016 Afhayeenka Xukuumadda Masar Xusaam Al-qawaysh ayaa sheegay inay Ra’isul-wasaaraha Somalia, Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke u fidiyeen Casuumaad Rasmi si uu booqasho ugu yimaado magaaladda Qaahira Casuumaadda Dowladda Masar u fidisay Ra’isul-wasaaraha Somalia ayaa ku soo beegmaysa dhowr maalmood kadib, markii ilaa 500 oo Tahriibayaal u badnaa Soomaali oo ka shiraacday Xeebaha Masar ay ku dhamaadeen dooni ku degtay badda dhexeysa Masar iyo Talyaaniga.
Lama sheegin xiliga raisul wasaaraha Somalia uu booqan doono magaalada Qaahiram balse wararka ayaa sheegaya in booqashan ay dhici doonto maalmaha soo socda.
Dhinaca kale ra’isul-wasaaraha Masar Shariif Ismaaciil ayaa Kulan la yeeshay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Somalia C/rashiid Mohamed Ahmed, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda iyo xubno kale.
Dhinaca kale, Ra’isul-wasaraha Masar iyo Wafdiga Soomaalida waxay ka wada hadleen Xaallaadihii ugu dambeeyey ee dalka Somalia, Hawlgalka AMISOM iyo sidii loo xoojin lahaa Ganacsiga iyo Wax-wada-qabsiga labada Waddan.
 
Ra’isul-wasaaraha Masar, Shariif Ismaaciil waxa uu ka hadlay Xiriirka Taariikhiga ee labada Waddan, wuxuuna xusay inay lama huraan tahay in la xoojiyo Iskaashiga labada dhinac, isagoo ballan qaaday inay Somalia ka taageerayaan Dib u dhiska Hayaddaha Dowladda.
Waxa uu intaasi ku daray inay Masar Xarun Ganacsi ka furanayso Somalia, isla markaana ay Wafduud Ganacsato u soo dirayaan Somalia si ay daraasaad ugu sameeyaan qaabka loo maalgashan karo.
Muqdisho Abriil 23, 2016 Wasaarada Caafimaadka Somalia ayaa sheegtay in cudur la garan waayey oo dhowaan ka dilaacay gobolka Jubada dhexe uu yahay shuban biyood. Magaalada Bu’aale oo ah Magaalo Madaxda Gobalka Jubbada Dhexe ayey wasaaradu sheegtay in cudurku uu soo ritay 21 qof, hal ruux oo ka mid ahna uu u dhintay, magaalada Saakow waxa uu cudurku soo ritay 54 qof, 11 ayaa u dhimatay, halka Magaalada Jilib uu cudurkaasi soo ritay 7 qof, iyadoo wasaaradi sheegtay ineysan jirin wax dhimasho ah.
Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Drs Xaawo Xasan Maxamed ayaa sheegtay in xogtan ay Wasaaraddu soo ururisay, welina ay wadaan baaritaanka xogta saxda ah ee laga helayo degaanada fog fog ee dhibaatadu ka jirto.
Drs Xaawo Xasan Maxamed ayaa sheegtay in Wasaaradda Caafimaadku ay gurmad caafimaad la garab taagan-tahay dadka xanuunkaasi uu soo ridanayo.
Goobaha laga soo sheegayo cudurkan shuban biyoodka ee gobolka Jubada dhexe ayaa waxaa gacanta ku haya xoogaga Al-Shabaab, waxaana aad u adag in gurmad caafimaad la geeyo sababo la xiriira Al-shabaab oo meelaha ay joogaan ka mamnuucay heyadaha samafalka.
Webbiga Shebeelle Abrill 2016 War wanaagsan ayaa hayadaha samafalku kasoo tebiyeen Shebeelooyinka ayagoo sheegay in biyaha webiga Shabeele ee Soomaaliya ay aad u soo bateen kadib markii roobab mahiigaan ah ay ka hooreen buuraleyda Itoobiya oo ah kalka uu ka yimaado webigaasi Shabeele gaar ahaan saddexdii asbuuc ee lasoo dhaafay
Muqdisho Abrill 23, 2016 Shirka waxaa laga soo saaray hishiis ku saleysan aayaha soomaaliya gaar ahaan habka ay u dhici doonto Doorashada la filayo in ay qabsoomi doonto dabayaaqada sannadkan 2016-ka, taasoo noqon doonto doorasho dadban maadaama aysan suurta gal ahayen sida dastuurka dalka ku qoran in ay dhacdo doorasho qof iyo cod ah.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa golaha Fulinta ee dowladda ugu baaqay in ay soo dedejiyaan keenista hishiiska aaayaha Somalia si loogu badalo sharci .
Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sh. Cismaan ayaa sheegay in RW-ha uu sheegay in baarlamaanka hishiiskaasi la horgeen doono 20 Bisha April, balse ay dib u dhacday, hadda oo waqtigii lagu balansanaa keenistiisa la dhaafay ayaa u diray fariin ku aaddan in la hore-keeno Baarlamaanka Soomaaliya, si loogu badalo sharci ka dibna loo dhaqan galiyo, si Waddanka ay uga dhacdo Doorasho in kastoo sida hishiiska Bulshada ku qoran ama Dastuurka aysan u dhici karin Doorashada marka la eego Amniga Soomaaliya .
Bilaha August iyo September ee Sannadkan 2016-ka, ayay ku kala eg-yihiin Baarlamanka iyo Dowladda Soomaaliya waqtiyadii ay soo shaqeynayeen, Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheikh Cismaan “Jawaari” ayaa sheegay in dalku uusan baarlamaan la’aan iyo dowladd la’aan noqon doonin inta dowlad laga yigleelayana ay kuwa hadda jira ay sii gaar-siin doonaan.
Ugu dambeyn, Howsha ma yara Geediguna wuu raran yahay, Dowladda hadda jirta ayaa u hartay muddo kooban waxaana looga fadhiyaa in wadanka ay gaarsiiso meel wanaagsan uu muwaadinku ku dareemi karo dowladnimadda.
 
WARARKA MAANTA Abriil 22, 2016
Su’aal: Mudane Madaxweyne Xassan, ma beenloow baad tahay mise waxbaa kuu dhiman oo wixii aad shalay tiri ma xasuusatid saacdo kadib? Maxaad hadda ka hor u sheegtay haddii aad dhammaysato 4 sanno inaadan dib isugu soo sharxi doonin jaggadda madaxweynenimadda oo si xun aad ugu guul-darraystay inaad wax fiican u qabato Ummadda Soomaaliyeed?
 
Washington DC Abriil 22, 2016 Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud oo caddeeyey inuu musharax yahay kadib markii muddo 3 iyo 8 billood waxba ku qaban waayey gudaha dalka isla-markaasna aysan jirin meel uu si xor ah u xukummo xitaa magaalo madaxda Muqdiisho. Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud oo horay u caddeeyey inuusan noqon doonin musharax isku-soo sharixi doona jaggadda madaxweynenimo ayaa haatan waxay u muuqataa inuu u hanqal taagayo quud aan jirin qoryo u guro xaallad la mid ah.
 
Haddii aad muranka sii badiso waxaan meel walba soo dhigaynaa cajaladdii aad ku caddaysay inaadan musharax noqon doonin haddii aad dhammaysto 4tan sanoo ee aad barko beelka ku sii riday rajaddii Ummadda Soomaaliyeed kuwaasoo dhallinyaraddoodiina ay badda ku dhammaanayaan,
 
Muqdisho DC Abriil 22, 2016 Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliya Oo Soo Bandhigay 11 Qof Oo Tahriibayaala Fariina U Diray Maleeshiyaadka Maamulka Hargaysa (Halkan ka daawo video) https://www.youtube.com/watch?v=Aw2Ndi-Ul2Q
 
Khaatumo State Iyo Puntland State Waxaanu halkan idin ku soobandhigayna dood aad u kulul oo dhexmartay reer khaatumo iyo reer Pl kuna salaysan siyaasada culus iyo kala taga PL iyo khaatumo.
 
Washington DC Abriil 22, 2016 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo safar ku jooga magaaladan Washington oo waraysi siiyey idaacadda VOA ayaa sheegay inuu mar kale yahay musharrax u taagan doorashada madaxweynenimo ee sannadkan ka dhacaysa Soomaaliya.
 
Waraysiga ka hor waxuu madaxweynuhu khudbad ka jeediyay Machadka Nabadda ee Maraykanka ee xaruuntiisa tahay magaaladan Washington DC, madxweynaha ayaa khudbaddiisa kaga hadlay arrimo ay ka midyihiin marxaladda ay Somaliya maanta marayso, doorashooyinka iyo nabadgaliyada dalka, warbixin arrintaasi ku saabsan waxaa inoo soo koobaya Xuseen Barr
 
Cape Town Abriil 22, 2016 Kulankaan oo ahaa mid Sanadle ah oo ay si weyn usoo qaban qaabiyeen waxgaradka iyo aqoon yahanada beesha Warsangali abgaal ee magaalada cape town, ayaa waxaa uu ka dhacay xaafada Bellville ee Soomaalidu ku badan tahay ee dalka Koofur Africa.
 
Waxaa Joogay xarunta lagu qabanayay kulankaan waxgarad,aqoon yahano,dhalinyaro qaar ka mid ah wakiilada ugaas yada,wabarada,malaaq yada iyo waliba suldaanada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada cape town halkaasi oo ay si weyn uga wada duceeyeen dhamaan shacabka iyo waxgaradka Cumar Iyo Abdalle ee beesha Warsan gali.
 
Ducada Kadib ayaa waxaa goobta isugu soo haray dhamaan waxgaradka iyo aqoon yahanada beesha oo ka wada hadlay aayaha Cumar iyo Abdalle iyo in laga wada shaqeeyo dhamaan midnimada beesha lana joojiyo Tafaraaruqa bulshada soo kala dhaxgala mararka qaarkood si talada siyaasada dhaqanka iyo tan bulshada hal dhinac loogu wada noqdo.
 
Mas’uuliyiin kala duwan ayaa goobta ka hadlay kuwaas oo diirada saaray muhiimada kulanka iyo waliba waxyaabaha loo baahan yahay in bulshada beesha warsangali ay iska kaashadaan waxaana mas’uuliyiinta hadlay ka mid ahaa musharaxa xillibaano ee maamulka shabeellaha dhaxe iyo hiiraan Mudane Abdirahmaan Cabdi Raage.
 
“waxaa loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo danta guud ee beesha wadajirka iyo midnimada waa tan kaliya ee guusha lagu gaari karo waana midaan u baahanahay in mar walba ka hormarino danaheena Khaaska ah Maxaa yeelay marka tan guud ka wada shaqeyno ayaan hormar gaari karnaa”Ayuu yiri musharax Abdiraxmaan Abdi Raage.
 
Waxaa kale oo goobta ka hadlay Nabadoon Muuse Muude Afrax ahna gudoomiyaha jaaliyada Soomaalida waxaa uu ugu baaqay bulshada in ay ka qeybtaan horumarka gobolka Sh/Dhaxe isla markaana laga qeyb qaato kaalmada loo fidinayo dadka abaaraha ay saameeyeen.
 
Gudoomiyaha jaaliyada sh/dhaxe ee magaalada Cape Town Bootaale Cali muuse oo asna goobta ka hadlay ayaa sheegay in jaaliyada gobolkaasi ay mar walba u taagan tahay ka qeyb qaadashada howlaha looga baahan yahay ayna taageersan yihiin maamulka gobolka sh/dhaxe iyo waliba shirka maamul u sameynta.
 
Gudoomiyaha Barbaarweynaha Cumar iyo Cabdalle Muxumed Jiinow Xuseen Iyo Gudoomiye Ku xigeen Cali Xasan Cali ayaa hadal kooban ka jeediyay goobta waxaa ay sheegeen in dhalinyarada barbaarweynaha beesha ay u taagan yihiin isku xeka iyo ka shaqeynta midnimada iyo waliba horumarinta deegaanada ay dagto beesha.
 
Nabadoon Faarax Cumar Cadow oo goobta ka hadlay ayaa ugu baaqay qurba joogta iyo ganacsatada Kale ee beesha cumar iyo Cabdalle in ay ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo deegaanada beesha ay ku nooshahay oo ay saameynta ku yeelatay abaaraha soomaaliya ka jira.
 
Nabadoon Axmed Maxamuud Dhageey oo asna goobta ka hadlay ayaa ugu baaqay qurba joogta ee beesha ay yeeshaan kulamo noocaani ah oo loogu duceynayo bulshada isla markaana looga tashanayo aayaha beesha cumar iyo Cabdalle ee ku nool gudaha dalka iyo dibada.
 
Inta uu kulanka socday ayaa waxa ay beesha sheegtay in ay si weyn u taageersan tahay shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhaxe ee ka socda magaalada jowhar waxaana dowlada ay ugu baaqeen in ay la dhameystiro shirkaas si bulshada goboladaas ay wax ula qeybsadaan maamulada kale ee dalka ka jira.
 
Muqdisho Abril 21, 2016 Xukumadda Soomaaliya ayaa si kulul u Cambaareysay Dadka birmageydada ah ee lagu dilay Gobolka Shabellaha Hoose gaar ahaan Duleedka Magaalada Marka,kuwaas oo ahaa 6 Caruur ah iyo Ayeeydood.
 
Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa sheegay in lala Xisaabtami doono Qof kasta oo Micno daro u daadiya Dhiiga Shacabka Soomaaliyeed Sharcigana la marsiin doono.
 
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayri Maareeye ayaa sheegay in Ciidanka Booliska Soomaaliya looga fadhiyo in ay baaraan Kiisaska nuucaas ah oo ay daba gal ku sameeyaan.
 
Todobaadkii hore bartamihiisa ayey aheyd markii Duleedka Magaalada Marka lagu Gubayo Qoys ka koobnaa 7 Ruux oo Lix ka mid ah ay Caruur 7 jir ugu weyn yahay ay ahaayeen.
 
Muqdisho Abril 21, 2016 Inta badan dadka Somaliyeed, ayaa waxay si wayn u saluugsan yihiin Siyaasiga Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed, oo ka mid ah ragga sida dhow loola xiriiriyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
 
Dadka sida wayn u garanaaya Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed, ayaa waxay kuu sheegayaan in tan iyo 1990-kii ay saaxiibo dhow ahaayeen Madaxweynaha Somaliya, isla-markaana ay arrimo badan ka soo wada shaqeeyeen.
 
Siyaasiyiinta aan la dhacsanayn siyaasadda Madaxtooyada Somaliya (Villa Somalia), ayaa waxay Faarax Sheekh C/qaadir ku eedeeyeen inuu yahay ninka ka masuulka ah hogaan xumada maanta ka jirta dalka Somaliya.
 
Dal iyo dibadba waxaad barraha bulshada ay ku wada xiriirto ku arkeysaa dadka Somaliyeed oo barrahaasi ku soo qoraaya dacaayado ka dhan ah Faarax Sheekh C/qaadir, iyadoo aad mooddo in dadka Somaliyeed ay isla wada arkayn gacan bidixeenta iyo xagaldaacinta uu hogaanka u haayo ninkaasi.
 
Maxaa lagu eedeeyaa Siyaasigan?
 
Marka hore waxaa weeye ninka ka dambeeya maskaxda ay ku shaqeeyan Madaxweye Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed.
 
Waxaa lagu eedeeyaa in siyaasadiisa oo keliya looga dhaqmo Madaxtooyada Somaliya, isla-markaana uu yahay ninka qora khudbadaha Madaxweynaha Somaliya uu ka jeediyo kulamada Baarlamaanka, munaasabadaha maalmaha xoriyadda, shirarka dibadda iyo kulamada joogtada ah ee ka dhaca Magaalada Muqdisho & kuwa kale, ee uu kaga qaybgalo magaalooyinka dalka.
 
Sidoo kale waa ninka keliya ee Wasaaradaha Xukuumadda ku leh shakhsiyaad kaga hawlgala, una soo gudbiya macluumaad kasta oo ku saabsan shaqada iyo shaqaalaha ee Wasaaradahaasi.
 
Arrinta ugu wayn ee lagu diidan yahay, ayaa ah isagoo xiriir dhow la leh Madaxda Dowladda Itoobiya, waana midda keentay in dadka Somaliyeed ay u arkaan mid u gudbiya amaba siiya sirta Qaranka.
 
Waxaa kaloo xusid mudan inaanu Faarax Sheekh C/qaadir marnaba diyaar u ahayn in Siyaasiyiinta, Odayaasha Dhaqanka, Waxgaradka iyo qayabaha kale ee bulshada Somaliyeed uu la kulmo, kalana hadlo waxa ay ku tuhmayaan.
 
Yuu la kulmaa Faarax?
 
Waxaa uu la kulmaa ragga ku xeeran oo ay ku jiraan kuwa u soo gudbiya macluumaadka Wasaaradaha iyo kuwa kale ee saaxiibada dhow ay yihiin. Maanta way adag tahay in dad aan kuwaasi ahayn uu qaabilo Faarax.
 
Waxaa iska cad in la dhihi karo Faarax Sheekh C/qaadir xiriir lama laha Warbaahinta, wuxuuna xiriirkiisu uu u badan yahay ragga taabacsan amaba la dhacsan fekerka Dam Jadiid. Dam Jadiid waa garab ka tirsanaan jiray Urur Diimeedka Al Islaax.
 
Faarax Sheekh C/qaadir oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya waxaa lagu eedeeyaa inuu yahay nin ka warqaba dadka ku haybta ah, marka laga soo taggo kuwa ku xeeran Dam Jadiid.
 
Suldaan Maxamed Cabdulle Maxamuud oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee ku nool Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa uu sheegay in deeqaha waxbarasho ee loogu talla-galay ardayda Somaliyeed, in Faarax uu tirada hore ka dhigo kuwa isaga ku haybta ah.
 
Suldaanku wuxuu kaloo sheegay in ardayda ku haybta ah Faarax ee wax ka barata Jaamacadaha dalka, uu lacagaha waxbarashada/Fee-ha ka bixiyo.
 
Iskusoo wada-duuboo arrimahaasi oo idil, ayaa waxay horseedeen naceybka ay bulshada Somaliyeed u qabaan, una hayaan Siyaasiga Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed.
 
Washington DC Abril 22, 2016 Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Odayasha Dhaqanka ee ka maqan Shirka Maamulka loogu sameynayo Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.
 
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay socdaan Dadaallo lagu raadinayo Odayaasha ka maqan Shirka ka socda Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe,iyadoo uu intaa ku daray in Dowladda Soomaaliya ay la fariisan doonto Cid walba oo Tabasho qabtay.
 
Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay Maqaamka gaarka ah ee ay yeelaneyso Magaalada Muqdisho oo aan hadda ku jirin Nidaamka Federaalka Ee Soomaaliya ka jira.
 
Puntland Abril 22, 2016 Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa ka digtay arrimaha ka socda magaalada Muqdisho ee looga hadlayo arrimaha Dastuurka dawladda Soomaaliya, maadaama horay loogu heshiiyey in dibu eegista dastuurkan ay ka dhacdo magaalada Garoowe, 10-ka Bisha May, iyadoo ay kulmi doonaan Madaxda dawlad gobaleedyada iyo Dawladda Faderaalka si ay uga wada hadlaan waxyaabaha u baahan wax ka bedelka Dastuurka Soomaaliya2

WARARKA MAANTA Abriil 21, 2016

Washington DC Abril 21, 2016 M/weynaha Mudane Xasan Sheekh oo ka hadlayay Machadka Arrimaha Amniga iyo Nabada ee Dalka Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada  AMISOM ay afjari doonaan howlgallada ay ka wadaan Soomaaliya asagoo qoddobadii 6da ahee ee uu u sheegay Ummadda Soomaaliyeed iyo caalamka markii uu qabanayey xilka madaxweynenimo ka dhigay 3 qoddob asagoo hadalkiisa uu ku dhex-jiray is-yaac iyo is-daba-mar badan waayo ma uusan soo qoran ama diyaarin wixii uu meesha ka sheegi lahaa ayadoo ay ka soo qeyngaleen dad yar oo Soomaali ah.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay wax badan joogaan Dalka Soomaaliya, isagoona taasi u sabababeeyay in Soomaaliya ay tahay Dal hadda soo koraya loona baahan yahay in la gacan qabto.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Madaxweynaha Soomaaliya waxuu bogaadiyay howlgallada ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab oo ay iska kaashanayaan Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka dalbaday Beesha Caalamka in ay dhaqaalo ku bixiso tayeenta Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed.

https://www.youtube.com/watch?v=YhoYie6_la0

Ruushka Abril 21, 2016 Dowladda Ruushka ayaa waxa ay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka iibin doonaan hub hadii codsigooda uu noqdo mid sax ah oo la hubo.

Afhayeen la hadlay Wakaalladda Wararka Raashiya ee RIA Novosti ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya hubka ay ka iibin doonaan marka laga qaado Cunaqabataynta dhanka hubka saaran ee Qaramada Midoobe.

Hadalka Afhayeenka u hadlay Ruushka ayaa yimid xilli dhowaan Cumar C.rashiid Cali SharmaarkeRa’iisul wasaaraha Soomaaliya uu kulan la qaatay Sergei Lavarov Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Raashiya.

Sergei Lavarov Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Raashiya, ayaa dhankiisa waxa uu tilmaamay in dowladiisa diyaar u tahay in ay dowladda Soomaaliya iska kaashadaan Arrimaha Farsamadda Milliteriga.

Dalka Soomaaliya waxaa saaran Cunaqabatayn dhinaca Hubka oo ay Golaha Ammaanka ee QM ku soo rogeen Soomaaliya bishii Janaayo ee sanadkii 1992-kii.

Dhowaan ayay aheyd markii  Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu xubnaha Golaha Ammaanka ee Q.M ka codsaday in Soomaaliya laga qaado Xayiradda Hubka saaran, si ay Ciiddanka Qaranka u helaan Hub ay u adeegsadaan Hawlgalka La-dagaalanka Alshabaab.

Ilaa iyo hada Qaramada Midoobey hadalka ka soo baxay dowladda Soomaaliya jawaab kama aysan bixin.

Uganda Abril 21, 2016 Dowladda Uganda oo Ciidamo badan ay ka joogaan Soomaaliya ayaa hadda Ciidamo dheeraad ah u soo direysa Soomaaliya,kuwaas oo qeyb ka noqonaya Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Ciidamadaan oo Tababar loogu soo xiray wadanka Uganda ayaa loogu talo galay in ay qeyb ka noqdaan Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

UNHCR Abril 21, 2016 Hay’adda UNHCR sheegtay in 500 oo qof ay dhici karto inay ku dhinteen badda Mediterranean-ka, kadib markii ay dooni halkaas  ku dagtay.

Hay’adda ayaa sheegtay in tiradan ay ka soo xiganayso qaar ka mid ah dhalinyaraddii shilkaasi ka badbaaday oo Giriiga la geeyay.

Afhayeenka hay’adda William Splindler ayaa yiri “Ma cadda inta qof ee doonida saarnaa markii ay dagtay, balse goobjoogayaashu waxay sheegeen 500 oo qof oo caruur, haween iyo ragba ah. Tani waa tusaale kale oo muujinaya masiibooyinka maalin kasta ka dhacaya Mediterranean-ka”

UNHCR waxey sheegtay in dadka bad-baaday oo dhan 41 qof ay ka kooban yihiin 37 rag ah, saddex dumar ah iyo ilmo yar oo saddex sano jir ah.

Dadkan ayaa waxaa bad-baadiyay markab ganacsi ah oo gurmad u fidiyay, oo u qaaday dalka Giriigga April 16keedii.  Dadkan la bad-baadiyay ayaa isugu jiray 23 Somali ah, 11 Ethiopian ah, lix Masaari ah iyo qof u dhashay Sudan.

Dadkan ayaa xasuusta inay ka mid ahaayeen 100 ilaa iyo 200 oo qof oo ka soo baxay dalka Libya iyagoo ku sii jeeday dalka Talyaaniga.

Kaddib dhowr saacdood oo ay badda ku jireen, ayaa mukhalasiintii waday, waxay isku dayeen inay ku wareejiyaan markab kale oo weyn oo isagiiba ciir-ciiraya, kaasoo markii danbe badda ku dagay.

Dowladda Somalia ayaa sheegtay in qiyaastii 200 dhalinyaro Somali ah laga yaabay inay inay ku dhinteen musiibadan, iyagoo isku dayayay inay si sharci darra ah ku galaan Yurub.

Musiibadan ayaa ku soo aadeysa sanad guuraddii koowaad ee mid ka mid ah shilalkii ugu dhimashada badnaa ee badda Mideteranian-ka ka dhaca, kaasoo ay ku dhinteen qiyaastii 800 oo muhaajir xeebaha Libya – ka dib markii doonidii ay saaraayeen ay isku dhaceen markab ganacsi oo doonayay inuu badbaadiyo.

150 kun oo muhaajir ayaa Talyaaniga doonyo ku tagay sanadkii 2015kii, kuwaa oo badankood sii maray Libya. Laakiin sanadkan, ilaa iyo hadda waxaa gaaray Talyaaniga muhaajiriin gaaraya 25 kun

Muqdisho Abril 21, 2016 Waxaa magaalada muqdisho caasimada soomaaliya ka taagan haatan cabsi aad u xoogan kadib markii ay kacday badu una kacday qaab xad dhaaf ah.

Dadka jaarka la ah badda ayaa isaga qaxay guud ahaan aqaladooda  kadib markii moojadaha biyaha  ee badu ay ugu soo galen aqalkooda.

Sidoo kale biyaha badda ee soo dhaafaya bada imaanayana bariga ayaa la baxay xabaalo ka aga dhawaa bariga badda iyagoona dibada usoo saaray lafaha maydka.

Muqdisho Abril 21, 2016 Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa mooshin ka keenay shirka maamulka loogu sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo ka socdo magaalada Jowhar kaasi oo dad badan ay ku kala qeybsan yihiin.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa naftooda ku kala qeybsan shirka maamulka loogu sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe iyo mooshinka xildhibaanada ay keeneen oo abuuray iney sii kala fogaadaan xildhibaanada ku kala aragti duwan shirka ka socdo Jowhar.

Xog aan heleyno ayaa sheegaysa in waqtigan dib loo dhigay mooshinka laga gudbiyay shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe , waxaana arintaasi go’aankeeda qaatay gudoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Mooshinka oo gudoonka baarlamaanka loo gacan geliyay 11 bishaan ayaa waxaa baarlamaanka la horkeenay 16 bishaan, iyadoo xildhibaanada qaar ay isku dagaali gaareen mooshinka.

In dib loo dhigo mooshinka xildhibaanada qaar ay wadaan ayaa waxaa dan weyn ay ugu jirtaa wasaarada arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya oo wadata mashruuxa lagu dadajinayo dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

WARARKA MAANTA Abriil 20, 2016

New York Abril 20, 2016 Golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa kulan ay arrimaha Soomaaliya ay ka yeesheen magaalada New York ayaa waxay warbixin ka dhagaysteen madaxwaynaha Soomaaliya Xasan sheekh maxamuud. Madaxwaynaha ayaa ka hadlay dhalinyaradii Soomaaliyeed ee ku dhintay badda Mediterranean-ka, Horumarka siyaasadeed ee ay ku talaabsatay Soomaaliya, Doorashooyinka dhamaadka sanadkan dhacaya,  Dhismaha maamul goboleedyada federaaliga ah, Amaanka iyo taageerada ay u baahanyihiin ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM

Maraykanka Abril 20, 2016 Afhayeenka Jaaliyad aReer Khaatumo ee Dalka Imaradka Carabta oo waraysi dhinacyo badan taabanaya siiyay warbaahinta khaatumo.

Afhayeenka ayaa waraysigiisa kusoo qaatay Go’aanka adag ee Mamaulka Khaatumo ka qaatay Dowlada Mqudisho, Heshiiski Xaaranta ahaa ee Garoowe iyo qodobo kale oo Cul culus.
New York Abril 20, 2016  Ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobe soomaaliya ayaa aad u soo dhaweeyey sida madaxda soomaaliya ay ugu diyaar garoobayaan doorashada soo socota ee soomaaliya.

Danjire Michael Keating ayaa warbixin kooban ka siiyey qaramada midoobe guud ahaan xaaladaha ka jira soomaaliya.

15-ka xubnood ee golaha qaramada midoobe uu ka kooban yahay ayaa si diiran u dhageestay warbixinta danjire keating ee uu uga hadlay arrimaha, aminga, hormarka iyo doorashada soomaaliya ee dhawaan dalka ka dhici doonto.

Keating ayaa boogaadiyey sida ay ciidamada dowlada soomaaliya iyo kuwa Midowga afrika ee Amisom, ay uga adkaanayaan dagaalka Al-shabaab ay kula jiraan.

“Soomaaliya, waxa ay hada taagan tahay meeshii ugu fiicneed ebed sidaasi waxaa shirka qaramada midoobe ee ka socda Magaalada newyork ka sheegay danjire keating wakiilka qaramada midoobe ee soomaaliya”.

Ugu dambeyntii Denjire Michael Keating wuxuu u mahad celiyey madaxweynaha soomaaliya xasan sheikh maxamuud oo uu ku tilmaamay in dalka gaar siiyey madaxweynaha hormar muuqda.

BerberaAbril 20, 2016 Daawo:Arday Da’yar Oo Reer Berbera Ah Oo Fariin Cajiiba U Direy Madaxweyne Maamul Gobaleedka Somaliland Mudane Siilaanyo.Dhalinyaradan ayaa siilaanyo waxba kamjiraan xa ah kasoo qaaday waxaana ay sheegeen in suu lacag iyo citiraf bee ah uu ugu harowsanayey umadii badii ku dhmaatay.
Muqdisho Abril 20, 2016 Hay’adaha ammaanka Dowladda Federalka Somaliya ee Gobolka Banaadir ka howlgala, ayaa u suuragashay inay gacanta ku soo dhigaan, raggii ka dambeeyay dilka Saddex ruux oo rayid ahaa xalay loogu geystay Magaalada Muqdisho.

Raggaan oo ka tirsan ciidamada Millateriga Dowladda Federalka Somaliya ayaa la soo qabtay, xilli ay wateen gaari yar oo nooca raaxada ah, kadib markii Xaafada Al-Barakada ay ku dileen saddex ruux oo shacab, kadibna ay isku dayeen raggaasi inay baxsadaan.

Saraakiil ka tirsan Wasaarada Gaashaandhiga Somaliya ayaa door muuqato ka qaatay in raggaasi gacanta lagu soo dhigo, laguna wareejiyo Hay’adaha amniga Gobolka Banaadir.

C/fataax Cumar Xalane, Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay ciidamada ammaanka in lagu soo wareejiyay raggaasi, gaar ahaan gacanta loo geliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Wuxuu sheegay Xalane, raggaasi in cadaalada la horkeeni doono, maadaama si bareer ah u dileen dad shacab ah oo ku sugnaa Xaafada Al-Baraka.

Saddexda Askari ee ciidamada Millateriga ka tirsan ayaa waxaa la sheegay inay rasaas oodda kaga qaadeen gaari ay la socdeen Dadweyne xalay, hase ahaatee rasaasta ayaa waxa ay dishay laba wiil iyo gabar ka mid ahaa dadka deegaanka, halka rakaabkii gaariga la socdayna ay carareen.

Ciidamada Millateriga oo Magaalada Muqdisho hubka ku dhexsita, ayaa dhibaatooyin kala duwan u geysta dadka shacabka ah, xilli ciidamada Mushaaraadka aysan si toos ah u helin, taasi oo ku kalifeysa inay dhacaan Bulshada.

Muqdisho Abril 20, 2016 Maxkamadda Darajada Koowad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa shalay la hor geeyay Dhageysiga 14 eedeysane oo loo hasto in ay ku lug lahaayeen Qaraxii Diyaaradda Dallo ka dhex dhacay 2-dii Bishii Labaad ee sanadkaan.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Radio Kulmiye u sheegay in Eedeeysaneyaasha  lagusoo oogay fal danbiyeed la xiriira weerarkii bishii Febraayo ee Sanadkan lagu qaaday diyaaradda Daallo Airline kana dhacay Garoonka Diyaaradaha Adan Cade.

Guddoomiye Shuute ayaa intaa ku daray in dib u dhigay dhageysiga dacwada, isla markaana tilmaamay in mar kale dib la isugu soo laabto.

Muqdisho Abril 20, 2016 Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa maanta Joojisay Fiisaha lagu tago Wadanka Suudaan si loo yareeyo Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka tagaya Soomaaliya islamarkaana Visa Suudaan ah hadii ay  qaataan  uga sii gudbaya Masar iyo Liibiya si ay ugu tahriibaan Yurub.

Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Gen. Gaafoow oo Maanta Shir Jiraa’id ku qabtay Xarunta Imagareeshinka Muqdisho ayaa sheegay in Maanta ay Joojiyen Visa-ha lagu tago Wadanka Suudaan.

“Waxaan ka Xunahay Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Gaaraya ilaa 400 ee Ruux ee ku dhamaaday Badda u dhexeysa Afrika iyo Yurub,waxaa ay na soo xasuusineysa waxii dhacay 91-dii waxaan ku dadaaleynaa in aan badbaadino Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Badda ku dhamaanaya”ayuu yiri Janeraal Gaafow.

Taliyaha ayaa sidoo kale Baaq u diray Maamulada Soomaaliland iyo Puntland baaqaas oo ku aadan in ay Hubiyaan Dadka ay siinayaan Visa-ha lagu aadayo Dalalka laga Tahriibo,waxaana uu intaa ku daray in Qof walba oo Soomaali ah laga doonayo inuu badbaadiyo Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Audio Player

Muqdisho Abril 20, 2016  Rag hubeysan, kuna labisnaa tuutaha Ciidanka Dowladda Somaliya, ayaa waxay xalay saddex ruux ku dileen xaafadda Al Baraka ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Raggan, ayaa damacsanaa inay dhacaan gaari rakaab siday, kuna sugnaa xaafadda Al Baraka, balse rakaabkii oo ka cararay raggaasi, ayaa waxay keentay in rasaas xoogani ay oodda kaga qaadaan.

Rasaastaasi, ayaa waxaa la xaqiijiyay inay dishay laba wiil iyo gabar ka mid ahaa dadka deegaanka. Dadkan dhintay kama mid ahayn rakaabkii gaariga saarnaa ee ka cararay raggaasi.

Nin ka tirsan dadka deegaanka, ayaa wuxuu sheegay in ragga dilka gaystay ay ka yimaadeen dhanka Warshaddii Caanaha oo ku taala Degmadaasi Hodan, dilka ka dibna ay ku laabteen wadadii ay ka yimaadeen.

Ninkan oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan, ayaa intaa ku daray saddexdaasi ruux inay meydadkoodu geeyeen Isbitaalka Madiina.

Maamulka Degmada Hodan iyo Saraakiisha ammaanka, ayaan illaa iyo hadda ka hadlin tallaabada lagu dilay dadkaasi iyo weliba cidda ay ka tirsan yihiin kuwii dilay.

Addis Ababa Abril 20, 2016 Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan caasumadda Ethiopia ee Addis Ababa ayaa shalay 19-April-2016 kormeer ku tegey warshadda hubka, Rasaasta, Gawaarida dagaalka iyo kuwa raaxada u samaysa dalkaas oo lagu magacaabo METEC IYO GAFAT.

Kormeerka ayaa Gaas waxaa ku wehelinayey Wasiirka Ganacsiga iyo Warsha Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle, wakiilka Puntland ee Ethiopia Mahad Faarax Gaas iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland oo kamid ahaa waftigaas.

Gaas ayaa soo dhaweyn loogu sameeyay xarunta uu booqday, waxaana goobtaasi ku qaabilay masuuliyiin sarsare oo katirsan maamulka warshadda iyo saraakiil ka socday wasaaradda gaashaan dhigga Ethiopia, isagoo uu kala hadlay sidii Puntland uga faa’iidaysan lahayd wax soo saarka warshaddaasi.

Dhinaca kale guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Dawladda Federaalka Ethiopia Dr. Rashiid ayaa qado sharaf soo dhoweyn ah u sameeyey Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, iyagoo qadada kadib wada qaatay kulan is xog-waraysi guud ah.

WARARKA MAANTA Abriil 19, 2016

Su’aal: Haddii Damu-Jadiid ay ku guul-darraystay hoggaaminta dalka maxay u diidan yihiin inay is-casilaan? Wasiiro dhowr ah oo xukuummaddan haatan joogta ka mid ah iyo kuwo ku jiray xukuummaddihii hore ayaa si cad ugu sheegay habka qaldan ay Damu-Jadiid ku waddo madaxbannaanidda Qaranka Soomaaliyeed. Wasiiradda si waadax u kashifay waxaa kamidah  Wasiirkii hore ee Warfaafinta Eng. Yariisoow, Wasiirkii hore ee Warfaafinta Col. Ceelmoge, Wasiirkii hore ee Arrimaha guddaha Mudane Goodax, Wasiirkii hore ee Gaashaandigga Mr. Fiqi iyo wasiiro kale oo badan side wasiirkii hore ee Dastuurka kuwaasoo bixiyey war sir culum ah oo ay la qayb sadeen Ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka.

Muqdisho Abril 19, 2016 Caadil Sheegow Sagaar, wasiiru dowlaha xiriirka baarlamaanka ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay eedeymo dhawaan loo jeediyay maamulka Puntland oo ku aadan iney dhibaateeyaan dad gaar ah oo Koofurta Soomaaliya kasoo jeeda.

Xildhibaanka ayaa si cad u sheegay ineysan aheyn wax wanaagsan iney maqlaan dhibaatooyin si gaar ah loola eeganayo dad kasoo jeeda koofurta soomaaliya gaar ahaan Baay iyo bakool.

“Xildhibaanno ayaa shir jaraa’id qabtay oo ka cabanaayo maamulka Puntland Khaasatan magaalada Gaalkacayo, rag aan waxba galabsan oo aan shabaabna shaqo ku lahayn, in reer Gaalkacayo Qabteen dhowr habeen ka hor, magaalada meel ka baxsan si aad u fool xun oo bini’aadamnimada ka baxsan loo dilay, iyo sawiradoodii la keenay halkaan oo dadka oo dhan argagax galiyay, si foolxunna dadkaas loola dhaqmay”.ayuu yiri.

Wasiiru dowlaha Xiriirka baarlamaanka ayaa sidoo kale sheegay in Puntland uu kaga digayo iney dilal kale u geystaan dadka kasoo jeeda koofur galbeed, isaga oo soo hadal qaaday dil dhawaan ka dhacay duleedka magaalada Gaalkacyo.

” Dadka la dilay waa laba qof, waxay ahaayeen dad ganacsato ah oo Koonfur ka soo jeeda oo si sharci darro ah loo dilay, waanan uga digayaa Puntland waxaas oo kale ku dhaqaaqdo, markii ay Shabaab la dagaalameysay Puntland xukuumad iyo baarlamaanba way taageereen, laakiin shakhsiyaad ganacsanaya in magac loo bixiyo oo la laayo wax la aqbali karo maaha”. “Puntland waan u ogolnahay iney la dagaalanto cadowgeeda, laakiin dad aan waxba galabsan”ayuu hadlakiisa ku daray.

Ugu dambeyn Puntland ayaa qoraal shalay ay soo saartay waxay ku beenisay in dad kasoo jeeda koofurta Soomaaliya lagu dhibaateeyay deegaanada Puntland, ayna dhowraan xuquuqda dadka ku sugan deegaanada Puntland.

London Abril 19, 2016 Maxkamada ku taalo magaalada Northampton ee dalka Ingiriiska ayaa xukun waxa ay ku riday xasan jaamac oo lagu helay xatooyo lacageed kadib markii uu lun saday qarash gaaraya £105,000 oo pond..

Xasan jaamac oo la shaqeenayey hay-ada samafal ayaa qirtay dambiga lagu soo oogay isagoona maxkamada ka hor cadeeyey in lacagtaasi uu qaatay.

Mudane Xasan oo da’diisu ay dhan tahay 38 sano ayaa maxkamada ay ku xukuntay 2 sano iyo 3 bilood.

Waxa uu xasan lacagtaasi ku ritay akoon uu isaga sigaar ah u lahaa taasi oo keentay In lagu sameeyo baaris akoon kiisa gaarka ah.

Xukunka xasan ay maxkamada ku riday ayaan qareenkiisu uusan ka hadlin inkastoo go’aanka ay maxkamada gaartay ay u martay qaab sharci ah.

Ecuador Abril 19, 2016  Maamulka dalka Ecuador waxa ay sheegayaan in tirade dhimashada ay korortay. Waxa ay sheegayaan in illaa iyo hadda la og yahay in ugu yaraan ay 430 qof ay ku dhinteen dhulgariirkii sabtida.

Sidoo kale, in kabadan 2000 oo qof ayaa ku dhaawacantay. Madaxweyne Rafael Correa waxa uu sheegay in tani ay tahay musiibadii ugu xumeyd ee dalkiisa uu soo maro muddo tobannaan sano ah.

Dhulgariirka waxa uu saameeyay magaalooyiin badan oo saaran xeebaha badda Pacific-ga. Waxaana burburay jidadkii waaweynaa, waxaa sidoo kale burburay xaafado iyo dhismayaal waaweyn.

Qiyaastii 14 kun oo askeri ayaa loo daad gureeyay goobaha uu dhulgariirka ka dhacay, waxayna caawinayaan dadka ka badbaaday musiibada.

Ciidamada ayaa sidoo kale garab siinaya dadka ay guryaha ka dumeen. Kooxo ka shaqeeya samatabixinta oo ka tagay dalal badan oo caalamka ah ayaa gaaray dalkaasi

Kismaayo Abril 19, 2016 Cabdi Rashiid Maxamed Xiddig wasiiru dowlaha wasaaarda arimaha Gudaha Soomaaliya oo ku sugan Magaalada kismaayo ee xarunta Gobalka Jubada Hoose ayaa ka hadlay dhacdadii maalin ka hor ay ku geeryoodeen soomaalida aadka utirada badan ee dooneysay iney tahriib ahaanta ku galaan talyaaniga.

Kasokoow kalmadiisa ku aadan tacsida dhalinta bada ku geeriyootay waxa uu ka hadlay Xidig waxa sababta u ah in dhalintu ka cararaan dalkooda oo ay wadamada reer galbeedku u doontaan nolol dhaanta tii ay ku heysteen soomaaliya

Cabdi Rashiid Maxamed Xiddig ayaa warkiisa ku soo koobay in hadii la adkeynlahaa helida baasaboorka soomaaliga ay noqon leheyd mid ka dhigta iney adkaato in soomaalidu ka cararaan dalkooda

Taa badalkeed ayuu sidoo kale sheegay in ajaanibtu laftooda ay usoo tahriib doonan lahaayeen soomaaliya balse hada aaney jirin wax ku qasbaaya maadaama ay sidee doonaan ku iman karaan dalkan hadiiba aaney jirin sharciyo adag oo xakameynaya dadka doonaya iney soomaaliya yimaadan

Si kastaba Boqolaal muhaajiriin Soomaali ah oo doomo ka raacay dalka Masar  kuna sii jeeday Talyaaniga ayay doomihii dhexda kula dageen kadib markii sida la sheegay doomaha la saaray culays kabadan intii loogu talagalay.

Wararku waxay sheegayaan in dad ka badan 4boqol oo qof oo u badan dhalinyaro Soomaali ah ay ku dhinteen halka 29 qof oo kaliya la bad baadiyey.

Doomahan badda ku qalibmay ayaa la sheegay inay ahaayeen 4 doon oo ka baxday Masar kuna sii jeeday Italy.

Wararku waxay intaas ku darayaan in dad Itoobiyaan iyo Eriteriyaan ah ay sidoo kale saarnaayeen doomahan qalibmay.

Addis Ababa Abril 19, 2016 Madaxweynaha Puntland  Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo safar shaqo u jooga magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia ayaa waxa uu kulan la qaatay Danjiraha Dawladda Masar u fadhiya dalka Ethiopia iyo ganacsato masaari ah oo hawlo ganacsi u jooga dalkaasi Ethiopia.

Kulanka ayaa Madaxweynaha waxaa ku wehelinayey Wasiirka Gacanacsiga iyo Wershadaha Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle oo kamid ahaa waftigii Madaxweynaha, waxaana ay kawada hadleen Madaxweynaha iyo Danjruhu sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka ganacsi ee Masar iyo Puntland, isla markaana ay masar xilligan maalgashi ugu samaysan lahayd Puntland.

Safiirka ayaa soo dhoweeyey Madaxweynaha iyo waftigiisa isla markaana waxa uu sheegay inay fursad muhim ah u tahay dawladda Masar in ay maal-gashiyo ku samaysato waddanka Soomaaliya gaar ahaa Puntland oo uu masar kala dhexeeyo xiriir ganacsi oo taariikhi ah isla markaana qarniyo soo jirey.

Sidoo kale safiirku waxaa uu sheegay in ay dhowaan safar shaqo ku tegi doonaan Puntland si’ay usoo arkaan fursadaha maal-gashi ee ka bannaan iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland sida dekedaha iyo garoomada diyaaraha oo ah waddooyinka fududaynaya xiriir ganacsi oo dhex mara Puntland iyo Masar.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa geestiisa sheegay Puntland in ay ka jirto nabad iyo xasilooni gaamurtey, taas oo dhiirri gelineysa in shirkado caalami ah  ay maal-gashiyo ku samaysan karaan Puntland.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu warbixin kooban ka siiyey Danjiraha iyo ganacsatada Masaarida ahba horumarka xawliga ku soconaya ee Puntland gaar ahaan Garoomada diyaaradaha Puntland oo u diyaarsan qaabka garoomada caalamiga ah ee dunida hore u martay.

“Shirkado caalami ah oo maal-gashiyo ku samaysta Puntland waxa fursado shaqo ka heli kara  boqollaalka arday ee sannad walba ka qalin jebinaya Jaamacaha gudaha iyo dibadda, isla markaasina in badan oo kamid ah ay la kulmaan  shaqo la’aan baahsan “ ayuu ugu danbeynyiri Madaxweyne Gaas.

Muqdisho Abril 19, 2016 Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ah Guddoomiye ku-xigeenka guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa ka hadlay dareen la’aanta DFS ee ku aadan xasuuqa Ciidamada AMISOM ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Xildhibaan Jeesow, waxa uu sheegay in dhibaatooyin hore ay geysteen Ciidamada AMISOM iminkana ay kusii dhiiranayaan inay xasuuq ganbasho la’aan ah u geystaan shacabka waxa uuna dhaliishaasi dusha ka saaray madaxda ugu sareysa dalka oo aan waxba u arag xasuuqa lagu hayo shacabka.

Jeesow waxa uu sheegay in sharci ahaan aysan awood u laheyn in AMISOM ay si toos ah kala xisaabtamaan falalka gurcan oo ay kula kacayaan shacabka, balse waxa uu sheegay in faraqa ay qabsanayaan misna la xisaabtamayaan Xukuumada si Jawaab ay uga bixiso xasuuqa ay AMISOM ku heyso shacabka Soomaaliyeed.

Jeesow, ayaa tilmaamay in xiligaani aan loo baahneyn in Ciidamada AMISOM ay kasii howlgalaan gayiga Soomaaliya, waxa uuna farta ku goday in Ciidamada Dowlada ay buuxin karaan Booska ay joogan kuwa AMISOM.

Jeesow waxa uu DFS ugu baaqay inay joogteyso Mushaarka Ciidamada, isaga oo ku taliyay in Ciidamada AMISOM looga maarmi karo keliya in kalsooni lasiiyo kuwa Soomaalida.

Waxa uu sheegay in Ciidamada AMISOM ay laba jibaaren xasuuqa iyo gumaadka ay ku hayaan shacabka tan iyo markii Ciidamadooda lagu laayay deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Jeesow ayaa daboolka ka rogay in aysan Ciidanka Uganda ka faala qaadi karin amniga shacabka balse ay dhibaateynayaan kaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa tibaaxay in aan la aqbali karin War-saxaafadeedka AMISOM ay ka soo saareen dhibaatadii Ciidamada Uganda dhawaan ay ka geysteen deegaanka Buulo-mareer.

Muqdisho Abril 19, 2016 Waxaa soo baxaaya dhaliilo kala duwan oo ay shacabka Muqdisho u jeedinayaan Dowlada Soomaaliya, gaar ahaan talisyada Ciidamada amaanka Muqdisho.

Dadka qaar ayaa Dowlada Soomaaliya ku eedeeyay inay mas’uul ka tahay amni darida ka taagan magaalada Muqdisho, sababo la xiriira Ciidamada oo u badan kuwo maleeshiyaad ah oo aan u diiwaan gishneyn Dowlada.

Ciidamada qaar ayaan wadan wax darees ah, halka qaarna ay yihiin kuwo aan sal ku laheyn Dowlada oo ay wataan mas’uuliyiin aan kalsooni ku qabin Ciidamada Dowlada.

Ciidamada Dowlada ayaa wadooyinka ku mara rasaas iyo awood, taasi oo soo dadajisay in Shacabka Soomaaliyeed ay dhibsadaan la shaqeynta Ciidamada.

Ciidamada qaar ayaadan kala garankarin cida ay yihiin waxaana suuragal ah in wakhtiyada qaar aad uga shakiso inay yihiin Al-shabaab isku muuqaal ekeysiineysa Ciidamada Dowlada.

Dadka Muqdisho ayaa garwaaqsan in Dowladu ay lamberka koowaad kaga jirto dhinacyada amni darida ka dhexwada caasimada, marba haddii aan tixgalin iyo xushmadka aysan Ciidamada Dowlada aysan siineynin dadka shacabka ah.

Mas’uuliyiinta Dowlada qaarkood ayaa ilaaladooda ku amra in goortii ay la kulmaan wadooyin cariiri ah ay ku furtaan rasaas, waxa ayna taasi muujineysaa in Dowlada qudheeda ay qeyb ka tahay amni darida.

Si kastaba ha ahaatee, arrintaani ayaa walaac ku abuurtay dadka shacab ah, waxaana suuragal ah in wakhtiga danbe ay go’aan ka qaatan Dowlada waa haddii ay sidaani kusii socto muuqaalka Dowladnimada.

Muqdisho Abril 19, 2016 Xildhibaanadda oo ku kala qaybsamay, Goodax iyo Jeesoow oo isku-qabsaday mooshinkii laga keenay sidii dib loogu dhigi lahaa Maamul u samaynta Hiiraan Iyo Shabelle

https://www.youtube.com/watch?v=CyFOW9gUeOQ

WARARKA MAANTA

Muqdisho Abril 18, 2016 Ciidamada Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku dhigay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa iyo hub saarnaa gaarigaasi, kadib howlgalo ciidamadu ay ka sameeyeen degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane, ayaa sheegay in ciidamada NISA ay gacanta ku dhigeen gaari ay saarnaayeen walxaha qarxa, iyo sidoo kale hub, waxaana lagu qabtay gaa

Kismaayo Abril 18, 2016 Kulanka oo Socon Doona Mudo Kusiman Sadex Cisho ayaa waxaa ka qeybgalay xubno kasocda Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya oo uu Hogaaminayo Wasiiru Dowlaha Arimaha Gudaha Cabdi Rashiid Maxamed Xisid,Wasiirada Arimaha Gudaha Maamulada Puntland,Jubaland,Galmudug,Koonfur Galbeed iyo Xubno Matalaya Gobalada Hiiraan,Sh.Dhexe iyo Banaadir oo aan wali laga hirgalin Nidaamka Federaalka.

Guud ahaan Xubnaha Ka Qeybgalaya Shirkan oo Cadadooda Lagu SHeegay 26 Xubnood ayaa inta uu Shirku socda wax iska weydiin doona Waxqabadka Wasaaradaha arimaha Gudaha Dowlad Gobaleedyada Dalka Kajira.

Profesar yaxye Cali Ibraahim, Xoghayaha Joogtada ee wasaarada arimaha Gudaha Soomaaliya ayaa MMasuuliyiintan warbixin dheer ka siin doonaa wax qabadka wasaarada eek u aadan Baahinta Hanaanka Federalka oo ay Dowladu Qaadatay.

Kismaayo waxaa xaadirt ku ah dhamaan Xubnaha loo xushay iney ka qeybgalaan shirka Maanta Furmaya,Profesar Yaxye Cali Ibraahim ayaa ka waramaya Muhiimada Klankan iyo waxa looga hadlayo inta uu socdo.

 Kulankan  kii ka horeeyay waxaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho oo uu soconaya mudo ka badan Sadex Cisho waxaana jiray dhaliilo ay shirkaa ka tirsanayeen ka qeybgalayaasha kadib marki ay dib ugu laabteen deeganadii ay ka kala yimaadeen

Masar Abril 18, 2016 Wararka naga soo gaaraya dalka masar ayaa sheegaya in ku dhawaad 400 oo qof ay doonayo kula dageen xeebaha dalka masar.

Dadka ayaa la sheegay in ay saarnaayeen 4 doomo waxaana la sheegaya in dadka ay la dagtay doomihii ay saarnaayeen.

Ugu yaraan 400 oo ruux oo muhaajiriin ahaa ayaa saarnaa afar doon oo degay xeebaha dalka Masar iyagga oo ku siijeeday xeebaha dhinaca Yurub gaar ahaan Talyaaniga.

Kudhawaad 200 oo dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa la sheegay in ay dhinteen halka kuwa kalana waliba baadi goobayo noolashooda.

Ciidamada badda ayaa la sheegay in ay soo badbadiyeen oo kaliya 30 qof halka inta kalana ay bada ku maqan yihiin,waxaaana la sheegay in 23 ka mid ah ay Soomaaliya

Muqdisho Abril 18, 2016  Ilo wareed lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Ra’isul wasaare Cumar ay isla garteen in xil ka qaadis lagu sameeyo mid kmaid ah Wasiirada Xukuumada Somalia.

Xogtu waxa ay intaa kusii darayaan in qorshaha uu yahay in xil ka qaadista lagu Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumada Somalia Guuleed Xasan Qaasim, iyadoo xilkaasi loo magacaabi doono la taliyihii Gaarka ee Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe.

Mas’uulkaasi oo magaciisa lagu soo koobay Geelle ayaa loo magacaabi doonaa Wasiirka cusub ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, isagoo beddeli doona Wasiirka haatan haya Wasaaradaasi ee Guuleed Xasan Qaasim.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in iminka la diyaariyay wareegtadda lagu magacaabi lahaa Wasiirka cusub.

Wasiirka cusub ayaa la sheegayaa inay qaraabo hoose yihiin Madaxweynaha Jubbaland, waxa ayna xogtu tilmaameysaa in shaqsigaasi uu wato Axmed Madoobe, islamarkaana Xassan Sheekh uu ka damacsan yahay raali galinta Madoobe.

Geelle ayaa xiriir dhow la leh Dowlada Ethiopia, waxa uuna qorshuhu yahay inuu isku soo dhaweeyo Dowladaha Somalia iyo Ethiopia oo aan iminka xiriirkooda wanaagsaneyn.

Docda kale, waxa ay dadku is weydiinayaan Siyaasada keentay in Muwaadin laga qaado xilka uu Qaranka u hayay, islamarkaana xilkaasi loo dhiibo shaqsi kale oo xiriir la leh Dowlada Ethiopia.

Ohio USA Abril 18, 2016 Jaaliyadda ka soo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ee khaatumo State ayaa shir jaraa’id oo balaadhan isugu yimid magaalada Columbus ee dalkan Maraykanka , waxayna shir saxaafadeedkoodana ku canbaareeyeen heshiiskii Dawladda dhexe ee Soomaaliya iyo Jabhada SSDF ku kala saxiixdeen magaalada Garoowe, ayagoo sheegay in heshiiskaasi ahaa mid gebi ahaanba meel ka dhac ku ah dadka reer Khaatumo State oo ayagu horey u sameystan maamul buuxa oo golayaashiisa leh,

Waxayna sidoo kale taageero buuxda u direen go’aamadii golayaasha maamulka Khaatumo ka soo saareen magaalada Buuhoodle, taasoo ay xidhiidhka si buuxda Khaatumo ugu jartay dawladda dhexe ee hada ka jirta dalka Soomaaliya. Waxana halkaas si isku mid ah uga hadlay, Odayaal, Aqoonyahan , Waxgarad iyo Haweenka Jaaliyadda Khaatumo ee Columbus Ohio. Jaaliyadda ayaa luuqad adag kula hadlay waxa ay ugu yeedheen laba nin oo ilmaadeer ah oo ayagu heshiis ku galay Garoowe, waxayna meesha ka saarin in heshiiskaasi noqon doono mid gebi ahaanba khuseyn doona shacabka iyo dadka reerka Khaatumo, ayagoo ka digey inuu colaad dhexdhigi doono beelaha Dhulbahante iyo Majeerteen.

Isku soo wada  duuboo Shirkan jaraa’id ayaa ku soo beegmaya ayadoo shucuubta Khaatumo ee dalka iyo debeduba si weyn uga soo horjeesteey qodobadii heshiiskii Garoowe, kaasoo dhigayey in Xildhibaanada deeganada Khaatumo laga soo magacaabo Garoowe, ayadoo shacabka reer Khaatumo uu bishii Janaayo ee sanadkii 2012kii magaalada Taleex si buuxda ugaga dhawaaqeen inay ka baxeen wixii la odhan jiray Pl ayna sameysteen maamulkooda oo ay ugu wanqaleen Khaatumo State of Somalia. https://www.youtube.com/watch?v=tC25MskFWtk

Muqdisho Abril 18, 2016 Ciidamada Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku dhigay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa iyo hub saarnaa gaarigaasi, kadib howlgalo ciidamadu ay ka sameeyeen degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane, ayaa sheegay in ciidamada NISA ay gacanta ku dhigeen gaari ay saarnaayeen walxaha qarxa, iyo sidoo kale hub, waxaana lagu qabtay gaarigaasi waaxda koowaad ee Ciise Cabdi ee degmada Dayniile.

Ciidamada geesiyaasha qaranka Soomaliyeed ee NISA ayaa xalay 2:20 qabtay gaari Kaarib ah, oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa iyo 2-qoryaha Ak47 ah, waxaana lagu qabtay degmada Deyniile waaxda koobaad ee Ciise Cabdi, waxaa tagay goobta gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho”ayuu yiri afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Xalane.

Ciidamada amaanka ayaa ku howlan sugida amniga, waxaana NISA wali ay ku raadjoogtaa dambiileyaal ku lu

Puntland Abril 18, 2016  Shaqada guddigan ayaa lagu sheegay in ay hubiyaan sidda ay hadda gudaha Puntland uga shaqeynayso hay’adda iyo ka sokow in ay gudaha dalka ku faafinayso Diin aan aheyn diinta Islaamka, taas oo shakigeedu soo baxay markii ay soo dhajiyeen shaqo Dhakhtarnimo, haddana ay ku xireen Sharuud ah in uu noqdo qof u go’ay Diinta Kiristaanka.

Dadweynaha Puntland ayaad aad ula yaabay warka ka soo baxay World Vision, Madaxweyne Gaas oo la weydiiyeyna wuxuu sheegay in ujeedada Hay’addan-ba ay ku dhisan tahay Mad-ba ahaan oo ay ku shaqeeyaan.

Xogta aan helnay waxay sheegaysaa in ay hadda maalmo shaqeynayaan guddigan oo ay la kulmeen Madaxda World Vision oo ay weydiisteen in ay baaritaano uga baahan yihiin shaqooyinka ay qabtaan, waxaana la xaqiijiyey in ay labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay kulmeen guddigan & madaxda Hay’addan.

Warbaahinta DALSOOR ayaa baahisay qoraalka iyo Fadeexadda muujinaysa raadinta World Vision, waxaana markaas ka dib bilowday hadal heynta la xariirta dhacdadan, taas oo gaartay in uu Jawaab ka bixiyo Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Abdiweli Maxamed Ali Gaas.

Jawaabtii Madaxweyne Gaas dadka qaarkood uma aysan cubtamin, ka dibna waxaa dawladdu ay saartay guddi gaar ah oo baaritaan ku sameeya arrimaha Hay’addan, kuwaas oo soo kala cadeynaya waxyaabaha ay hadda ka qabanayaan deegaanada Puntland.

London Abril 18, 2016 Madaxdii Safaarada Itobiya ee London sida loo Garaacay iyo Fadeexada qabsatay.Halkan Ka Daawo Video

London oo Jaaliyadaha Ogadenia iyo Oromia madaxdii Woyanaha ku Garaaceen Shir ay safaarada itoobiya ee magaalada London rabtay inay Qabato ayaa waxaa Hoolkii lagu qaban lahaa la wareegay Jaaliyadaha Ogadenia iyo Oromia, kuwaasi oo madaxdii iyo wixii kale ee meesha yimid Gacmahoodaula tegay.

https://www.youtube.com/watch?v=6cCI8rvyxVI

Puntland Boosasso Abriil 18, 2016 Culimada ku sugan magaalada Boosaaso ayaa siwayn uga hadlay dhibaatada iyo Fasaadka ay OROMADu ka wado Gudaha magaalada

https://www.youtube.com/watch?v=ayPAv7hQHCo

WARARKA MAANTA

Somali Government & some Hawiye elders announced New Jubbaland Administration President today in Mogadishu on April 17, 2016
Madaxwayne Maamul cusub oo Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamniyo Mudane Madaxweyne Xassan Shiikh Iyo qaar kamid ah ODAyaasha beelaha Hawiye Oo Lagu Caleemo Saaray Muqdisho maanta.
https://www.youtube.com/watch?v=8K_csTubA1s

Su’aasha Maanta: Meeqo Madaxweyne ayaa Soomaaliya uga qeybgashay Shirkii Tana ee lagu qabtay dalka Ethiopia?

Italy Abril 17, 2016 Safaaradda Soomaaliya ee dalka Talyaaniga ayaa walaac ka muujisay  in aysan wax war ah ka hayn safarada ay Talyaaniga ku imaanayaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Wasiirka Ganacsiga Cabdirashiid Maxamed Axmed & Wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda Khaalid Cumar Cali, waxaanna ay socdaaladaasi ku tilmaantay kuwo xubnaha Dowladda ka tirsan ay heshiisyo kula galayaa shirkado & hay’ado Dowladeed; tiiyoo ay dhici karto in aysan ka war qabin Dowladda dhexe.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Talyaaniga Danjire Muuse Xassan Cabdullea ayaa laga soo xigtay sida uu kaga niyad xun yahay hab-dhaqanka xubnaha ka socda Hay’adaha Dowladda sida Xukuumadda & Baarlamaanka ee socdaalka ku imaanaya dalka uu wakiilka kaga yahay Dowladda Soomaaliya, wuxuuna intaa raaciyey in safaaradiisu  ay qoraalo ashtako ah oo ay  arrimahaasi kaga cabaneyso u gudbisay Xukuumadda & Madaxtooyadda, balse aan waxba laga qaban.

 “Wasiir kasta ee imaanaya dal ay Dowladiisu safaarad ku leedahay xeerka Diblumaasiyadu waxeey tahay inuu safaarada soo war-geliyo, waxaa socda isku dhex yaac, wasiiradda iskooda ayeey u soo dagaan danahooda ayeey meesha ka wataan; waxaa na soo gaartay in Wasiirka Ganacsiga uu doonayaa inuu si shaqsi ah heshiis hoosaad ula galo shirkado Talyaani ah, maadaama xillli kala guur ah lagu jiro” Ayuu yiri Danjire Muuse Xassan.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibedda Khaalid Cumar Cali ayaa wareysi uu bixiyey wuxuu sheegay inuu daba socdo heshiisyo dhexmaray Cumar C/rashiid & Dowladda Talyaaniga

Xildhibaan Salaad Cali Jeele oo wareysiga siidaayey: Xildhibaan Musuq Masuq Ku Bilowday Madaxweyne Fican Noma Keenaay”

https://www.youtube.com/watch?v=UqRsJikFoWw

Muqdisho Abril 17, 2016 Gudiyada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in ay ka doodaan, heshiiskii dhawaan lagu gaaray magaalada Muqdisho ee ku wajahnaa qaabka ay noqoneyso doorashada la filayo in ay ka dhacdo Soomaaliya sanadkan.

Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya mudane Jeylaani Nuur Iikar, ayaa ka sheegay kulankii shalay in xubnaha baarlamaanku ay isugu yimaadaan xarunta Villa Hargeysa, maanta oo ay taariiqdu ku beegan tahay 17-bisha April.

Xubnaha gudiyada golaha baarlamaanka ayaa la filayaa in kulanka maanta ay ku falanqeeyaan heshiiskii la gaaray, iyo sida ay noqoneyso doorashada dalka ka dhaceysa sanadkan 2016-ka

Heshiiskii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sharaxayey qaabka ay noqoneyso doorashada ka dhaceysa dalka, iyadoo baarlamaankuna uu ku biirin doono talooyin hanaanka doorasho ee dalka sanadkan.

Muqdisho Abril 17, 2016 Kooxo hubeysan ayaa ayaa saaka magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Dharkeynley labo haween oo walaalo ahaa sida wararku ay sheegayaan. Fowsiya iyo Shankaroon ayaa lagu sheegay magacyada labada Haween ee weerarka lagu dilay iyadoo ay Fowsiyo ay ka tagtay seddex carruur ah.

Mid kamid ah gabdhahan ayay wararku sheegayan iney ka shaqeyn jirtay hey’adda UNHCR ayna u qaabilsaneyd dhinaca nadaafada.

Dilka labadan gabdhood ayaa ku soo aadaya xili xalay degmada Hodan lagu dilay haweeney da’ aheyd oo ka tirsan haweenka degmada Hodan la shaqeeya.

IGAD Abril 17, 2016 Urur goboleedka IGAD ayaa markii ugu horeysay ka hadlay diidamada la sheegay iney diideen in muwaadin Soomaaliyeed laga dhigaa xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD, kaasi oo ahaa dalab ka yimid madaxweyne Xasan Sheikh.

Maxamed Cabdi Afeey, wakiilka IGAD ee Soomaaliya ayaa sheegay ineysan jirin wax qoraal ah oo gaaray xafiiska IGAD oo lagu dalbanayo in muwaadin Soomaaliyeed laga dhigaa xoghayaha guud ee IGAD.

Afeey ayaa barta uu ku leeyahay Twitter-ka ku sheegay ineysan jirin wax qoraal ah oo kasoo gaaray dhanka madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo doonayay in bisha July kadib shaqsi Soomaaliyeed loo dhiibaa xilka xoghayaha guud ee IGAD.

Hadalkiisa ayaa waxa uu ku soo beegmay, iyadoo ay dhawaan soo baxeen Warar sheegayo inay Dowladaha xubnaha ka ah IGAD laaleen Qoraal uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku magacaabay Xasan Kheyre oo ah Muwaadin Somali Norwegian, si uu xilka Xoghayaha Guud ee IGAD ugala wareego Mas’uulka haatan haya Xilkaasi, Maxbuub Macallim.

Xoghayaha Guud ee IGAD, Maxabuub Macallim oo ah Siyaasi ka soo jeeda Soomaalida deggan Kenya waxa uu qorshuhu yahay inuu xilka ka dego bisha July ee sannadkan.

Kulankii 45-aad ee Golaha Wasiiradda Arrimaha Dibedda IGAD oo bishii July ee sannadkii 2012-kii lagu qabtay magaalladda Addis Abebaba ayaa mar labaad loo cusbooneysiiyey xilkaasi oo uu haatan hayo muddo 8 sanno ah.

Xilalka Sare ee Urur-gobaleedka IGAD ayaa u muuqda mid ay isku soo koobeen 2 Dowladood oo ka mid ah Dowladaha xubnaha ka ah Ururka IGAD oo muddo hataan laga joogo 30-sanno ka hor lagu asaasay Shir-madaxeed ka dhacay dalka Jabuuti.

Muqdisho Abril 17, 2016 Afhayeenka Amisom Col Joe Kibet oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in ay ka xunyihiin dhacdadii maanta ka dhacday inta u dhaxaysa deegaanka Buulo mareer iyo Gol-weyn oo ciidankooda rasaas ay ku fureen gaari ay la socdeen dad shacab ah kuna dhinteen afar ruux oo rayida.

Afhayeenka ayaa ka hadlay qaabka ay wax u dhaceen waxuuna inoo sheegay in ay aheyd meesha ay dhac dadani ka Dhacday meel cidlo ah ayna ka jirtay cabsi Amni.

“gaariga ayay ciidankeena la hadleen waxayna ku yiraahdeen istaag wuuna maqli waayay darawalkii gaariga waxayna u qaateen ciidankeena inuu weerar ku yahay, sidaas ayuuna falkaasi ku dhacay”, sidaas waxaa yiri afhayeenka Amisom.

Afhayeenka wuxuu intaas ku daray in hadda ay ku jiraan baaritaan la xariira sidii arintaasi ay u dhacday, ayna iska kaashan doonaa saraakiisha booliiska soomaaliyeed.

Ciidamada AMISOM ayaa howlgal ciidan ka wada deeganada Gobalka Shabeellaha Hoose, halkaas oo mararka qaar ay jidadka ugu galaan kooxda Al-shabab taas oo ku dhalisa ciidamada AMISOM marka ay waddooyinka socdaan in aan gawaarida dadweynaha ku soo dhawaan.

Ethiopia Abril 17, 2016 Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in dabley hubeysan ay 140 ruux ku dileen meel ku dhow xuduuda dalkaas uu la wadaago Koofurta Sudan, iyadoo afduub 39 caruur .

Wasiirka Warfaafinta Itoobiya Getachew Reda ayaa sheegay in kooxaha weerarka ka dambeeyay ay ka tirsan yihiin maleeshiyada qowmiyada Murle ee dega Koofurta Sudan.

Waxaa uu sheegay in ciidamada ammaanka Itoobiya ay dableysaas ka dileen in ka badan 60 maleeshiyo.

Maleeshiyada ayaa la sheegay inay bartilmaameedsadaan Gobolka Gambela ee ka tirsan dowladda Federaalka Itoobiya, halkaasoo caan ku ahaa khilaafyada u dhaxeeya beelaha iyo dadka Nuer ee uu ka soo jeedo Hogaamiyihii Mucaaradka Koofurta Sudan Reik Machar.

Itoobiya ayaa marti gelineysa kumanaan qaxooti ka soo qaxay dagaalada sokeeye ee ka qarxay Koofurta Sudan sanadkii 2013.

WARARKA MAANTA

Muqdisho Abril 16, 2016 42-xildhibaan oo ka tirsan golaha baarlanaka Soomaaliya ayaa maanta mooshon ka keenay shirka maamul u samaynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe, mooshin kaa soo ku aaddan in dib loo dhigo shirka ka socda Jowhar.

Soo jeedinta mudanayaashan ka dib ayaa waxaa laysla gartay in loo muddeeyo xilli kale maaddaama uu buuxsami waayay kooramkii cod u qaadista mooshinkan.

Guddoonka baarlamanka Soomaaliya ayaa waxa uu u sheegay xildhibaannadii soo gudbiyay mooshinkan in kulanka ugu horreeya ee ay baarlamanka yeelan doonaan looga hadli doono arrintan ku aaddan dib u dhigista shirka ka socda Jowhar.

Shirka oo 12 Jaaayo ee sanadkan ka billowday magaalada Jowhar,ayaa haatan maraya meel wenaagsan markii ay dowladda federaalka dadaal xooggan u gashay isu keenidda dhammaan cuqaasha iyo wax garadka labada gobol.

Dhanka kale,kulankii xildhibaannada ee maanta ay ku yeesheen xaruntooda,ayay ku meel mariyeen heshiiska wada shaqaynta caafimaadka oo horay ay u gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga,

Heshiiskan u dhexeeya labadan dowladoow ayaa ah mid faa’iido ballaaran u noqon doona shucuubta labada dhinac iyo xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Mombasa Abril 16, 2016 Maxkamada sare ee magaalada Mombasa ayaa shalay xukun dil ah ku riday nin lagu helay in uu ka dambeeyay dilkii loo geestay Sheekh Maxamed Idriis, oo kamid ahaa Culumaa’udiinka ugu waa weyn ee dalka Kenya.

Xaakimka sare ee Maxkamada Marti Muya ee magaalada Mombasa ayaa sheegay in baaris dheer kadib lagu helay Maxamed Suudi Maxamed, in uu ka dambeeyay dilkii loo geestay Sheekh Maxamed Idriis, lana horkeenay Maxkamada cadeemo ku filan.

Maxkamada sare ee magaalada Mombasa ayaa ugu dambeyn xukun dil ah ku riday Ninkan lagu helay Dilka Sheekh Maxamed Idriis, waxaana Maxkamada la horkeenay xabadihii lagu dilay Sheekha iyo Marqaatiyaal ku cadeeyay ninkan in uu dilka uu ka dambeeyay.

Maxamed Suudi , ayaa sidoo kale lagu soo eedeeyay dacwado kale oo la xariira in uu heestay gurigiisana laga helay canjalado badan ay ku duubnaayeen aflaan iyo muuqaalo kale oo dhiiro galineysa dagaalka iyo dilalka .

Sheekh Maxamed Idriis, oo ahaa Imaamka Masjidka Sakiina ee magaalada Mombasa sidoo kale kamid ahaa cullumada ugu caansan dalka Kenya ayaa la dilay 10-Kii Bishii June ee sanadkii 2014-tii, xili uu kasoo baxay gurigiisa kuna sii jeeday Masjidka uu Imaamka ka ahaa si uu u dujiyo jameeca Salaada Subaxa, waxaana dilka Sheekhan aad uga naxay una canbaareeyay muslimiinta dalka Kenya.

Jowhar Abril 16, 2016 Magaalada Jowhar oo uu ka socdo shirka maamulka loogu sameynayo gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa waxaa ka bilowday dhaqdhaqaaqyo cusub oo ku saabsan soo xulista xildhibaanada Baarlamaanka, iyadoo ergooyinka beelaha ay iminka guda galeen howlo ay macaash uga raadinayaan Mudanaha doonaya inuu noqdo Xildhibaan ka noqdo.

Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka iyo Wasiiro ka tirsan xukuumadda dhexe ayaa bilaabay inay kordhiyaan qiimaha qofka doonaya inuu ku biiro Baarlamaanka maamul goboleedka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Qiimaha qofka doonaya inuu noqdo Xildhibaan ayaa mareysa $10,000 (Toban Kun Dollar), iyadoo ergada beel kasta gudbineyso shaqsigii bixiya kharajkaas, waxaana bilowday tartan xoogan oo ka socda magaalada Jowhar.

Wararka ayaa sheegaya in wufuuda Dowladda Federaalka ka joogta magaalada Jowhar oo uu ka mid yahay Wasiirka arrimaha gudaha C/raxmaan Odowaa ay kulamo kala gooni gooni ah la leeyihiin ergooyinka beelaha, kuwaasi oo iyagu doonaya inay beelaha ansixiyaan shaqsiyaad ay dowladdu wadato oo kharajkoodana Cash yahay.

Dhinaca kale iyadoo dhowaan magaalada Jowhar uu ka furmay wejiga labaad ee shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa ergada waxay weli ku mashquulsan yihiin ajandayaasha looga hadlayo iyo qaabka loo guda geli lahaa howlaha hor yaala.

Muqdisho Abril 16, 2016 Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Waxaa lagu qabtay shir ay soo qaban qabiyeen hogaamiyeyaasha iyo Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye,kuwaas oo ka hadalay masiirka dadka Soomaaliyeed iyo mustaqbalka DF Soomaaliya oo ay ku tilmaameen in uu meel mugdi ah uu galay.

Kulanka waxaa lagu dhaliilay Madaxwaynaha Soomaaliya iyo guud ahaan DF Soomaaliya oo lagu sheegay in dalka ayna waxba ka qabanin intii ay jireen,waxayna Hogaamiyeyaashan sheegeen in DF Soomaaliya ay marin habaabisay dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Sidoo Kale Waxaa lagu canbaareeyey tacdiyada ay Soomaaliya ka gaysteen Ciidamada shisheeye,waxaana lagu yidhi warkan waa in DF Soomalaiya cadayso go’aankeeda Dowladdnimo ayna Madaxda dalku cadeeyeen qorshahooda siyaasadeed, https://www.youtube.com/watch?v=7IFRBcctAuU

Qaeamadda Midooway Abril 16, 2016 Madaxa arrimaha xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobey ayaa dhaleeceeyey siyaasadaha musharraxa ugu cadcad xisbiga Jamhuuriga maraykanka ee Donald Trump. Waxa uu sheegay in mushraxan doonaya inuu noqdo madaxweynaha Mareykanka uuna gaysanayo xadgudub abuuri kara dhibaatooyin ka daran kuwa hadda caalamka ka taagan.

Seyd Racad Al Xuseyn ayaa waxaa uu Trump ku eedeeyay sida uu u taageersan yahay jirdilka, isagoo sidoo kale ku dhaliilay sida uu u taageersan yahay in Muslimiinta si gaar ah loo dabagalo ama cadaadis la saaro.

Hadal uu ka jeediyay magaalada Cleveland ayaa Seyd Racad Al Xuseyn waxa uu tilmaamay in eexda iyo munaafaqnimada aysan cadeyn u ahayn hogaan wanaagsan, wuxuuna sidoo kale tilmaamay in hadallada naceybka ku dhisan aysan ahayn wax madadaalo ah.

Waxaa sii kordhaya cambaareynta caalamiga ah ee loo jeedinayo musharraxa ugu cadcad xisbiga Jamhuuriga Maraykanka ee Donald Trump oo qaba siyaasado ay ku saleysan jinsi naceyb iyo kicin.

Ethiopia Abril 16, 2016 Somalia oo sadex wafdi kaga qeyb galaysa Shirka amniga afrika ee Tana Forum oo maanta ka furmaya Itoobiya

Waxaa maanta magaalada Bahar-dar ee dalka Itoobiya ka furmaya shirkii 5aad ee Tana Forum kaasoo looga hadlo arimaha amniga ee Africa.

Shirka Tana Forum waxaa sanadkan ku marti qaadan ha’yado caalami ah iyo madax uu kamid yahay madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir.

Shirka Tana Forum oo socon doona muddo 2 maalmood ah ayaa waxaa looga hadli doona amniga iyo xasiloonida Africa, xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya dowladaha Africa, waxaa mudada uu socda laga jeedin doonaa khudbado la xiriirta maamul wanaaga iyo taageerida hawlgalada nabad ilaalinta Africa.

Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa ka qeyb galaya shirkan isagoo ka mid ah madaxda afrika ee shirkan lagu casuumay.

Qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada Somalia ayaa ka qaybgalay kulamadii hore ee Tana Forum waxaana lagu wadaa in madaxweynaha Puntland iyo wakiilo kasocda Somaliland ka qayb galaan kulanka maanta.

Beledweyne Abril 16, 2016 Wararka laga helayo Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Xalay iska horimaad u dhaxeeyay Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya uu ka qarxay Magaaladaasi.

Iska horimaadkan ayaa yimid kadib markii Ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya ay Weerar ku qaadeen Saldhiga Booliska Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

Xiriiro kala duwan aanu sameenay Saraakiisha Booliska Baladweyne ayaa inoo suuro gelin in aan qadka taleefonka ku haleelno si aan wax badan uga weydiino iska horimaadkaasi.

Ilaa iyo hadda lama khasaaraha ka dhashay iska horimaadkan u dhaxeeyay Ciidamada Booliska iyo kuwa Militariga oo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya

Jowhar Abril 16, 2016 Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa ugu baaqay Odayaasha Dhaqanka ee ka soo jeeda Gobolka Hiiraan in ay ka qeyb galaan Shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Sh.Dhexe.

Wasiir Odawaa oo la hadlay Warbaahinta kula hadlay Magaalada Jowhar ayaa xusay in Dowladda Somalia iyo Odayaasha Dhaqanka ay wada leeyihiin talada Maamulka la doonayo in lagu mideeyo Shacabka Gobolada Hiiraan iyo Sh.Dhexe.

Dhinaca kale, Nabadoonada ka soo jeeda Gobolka Hiiraan qaarkood oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in xal laga gaari karo caqabadha heysta Shirka ka socda Magaalada Jowhar.

 Sikastaba Shirka Maamul u sameynta ayaa wajigiisa labaad waxuu ka furmay talaadadii la soo dhaafay Magaalada Jowhar, iyadoo markale uu hakad ku yimid Shirkaasi, islamarkaana haatan halkaasi ay kulamo ka wadaan Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaliya.

Shalanbood Abril 16, 2016 Maamulka Degaanka Shalaanbood ee Gobolka Sh.Hoose ayaa faah faahin ka bixiyay Weerar Dableyn hubeysan ay ku qaadeen Gaari ay la socdeen Dad Shacab ah oo marayay inta u dhaxeysa Degaanada Shalanbood iyo Janaale ee Gobolkaasi.

Nuur Cismaan Raage Guddoomiyaha Degaanka Shalaanbood oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Gaarigaasi la rasaaseeyay uu ka soo amba baxay Degaanka Shalaanbood, islamarkaana uu ku sii jeeday Degaanka Janaale.

Guddoomiye Raage ayaa waxuu intaasi ku daray in rasaastaasi uu ku dhintay 1 Ruux, isagoona qeexay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay bilaabeen howlgallo lagu baadi-goobayay Dableydaasi.

“Waxaan sameenay howlgallo kala duwan balse ma suuro gelin in aan gacanta ku soo dhigno Dableydaasi” ayuu yiri Guddoomiyaha Degaanka Shalaanbood ee Gobolka Sh.Hoose.

Dhawaan ayee aheyd markii Kooxo hubeysan ay rasaas la dhaceen Gaari ay la socdeen Dad Shacab ah, waxaana rasaasi ka dhashay khasaaro iyo jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Rakaabkii saarnaa Gaariga.

Adiis ABAba Abril 15, 2015 Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo gelinkii hore ee maanta ka amba baxay magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ayaa gaaray caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Ababa.

Waxaana uu kulan gaar ah la qaatay Wasiirka arimaha Dibadda ee Dowladda Ethiopia Dr. Tedros Adhanom waxaana ay kawada hadleen arrimaha nabad-gelyada ee Puntland iyo Ethiopia iyo guud ahaan xaaladda siyaasadda ee Soomaaliya.

1-26

2-25

3-23

4-20

WARARKA MAANTA MAY 16, 2016