Wararkii Hore 2017

WARARKA MAANTA 31ka Oktoobar 2017 Sir Culus Yaa runta qarin kara?

Su’aalaha Maanta: Ma aragtaan khaladaadka joogtada ah ee Wasiirka Warfaafinta Eng. Cahdiraxmaan Yariisoow ku samaynaayo Ummadda Soomaaliyeed? Maxuuse Wasiirka Warfaafinta Eng. Cahdiraxmaan Yariisoow beenta u sheegayaa ma waxaa la wada casuumay Warbaahinta Xorta ah oo dhan mise waxuuu casuumay kuwo gaar ah oo asaga inay la qaraabtaan raba si uu iskugu dayo sidii uu u qarin lahaa xaqiiqooyinka iyo wararka saxda ah ee kashifaya musuqmaasuqa baahsan ee Dowladda Wada Dadban? Mudane Wasiir Eng. Yariisoow, waxaanu kuu sheegaynaa Ummadda Soomaaliyeed runta kama qarin kartid. Xuquuqda gobalka Banaadirna qof iyo shaqsi noocaagan oo kale isma hortaagi karo ee waxaa la joogaa wakhtigii Ummadda Gobalka Banaadir ay iska xorayn lahayd dadka raba inay maalin cad canshuurtood cunnaan isla-markaasna xuquuqdooda si toos ah iyo si dadbanba u duudsiinaya Ummadda Soomaaliyeed ee deggan gobalka Baanadir. Yaa runta qarin kara? Ummadda Soomaaliyeed Iyo beesha caalamkaba hadda way ogaadeen sida ay Dowladda Soomaaliya ula shaqaynayso qaar kamid ah argagixisadda Al-Shabaab oo rag horay uga tirsanaan jiray oo taliyayaal sare-sare ka ahaa Ururka Argagixisadda Al-Shabab ay hadda taliyayaal Sare-Sare ka yihiin Dowladda Soomaaliya ee fashilka iyo dilka Ummadda Soomaaliyeed si waadax ah u fududaynaysa tan iyo intii ay xukunka qabsatay ilaa iyoa hadda. Ma runta ayaad qarin karaa waa diga si dadban khadka internetka nagula sheekaysta? Sir badan oo aanu kaa hayno ayaanu soo daabici doonaa taasoo kalifi doonta inuu Madaxweyne Mudane Farmaajo ama Raysal Wasaare Mudane Kheyre midkood si deg deg ah isku-casili doona!

Muqdisho 31ka Oktoobar 2017 Madaxweynaha dowladda Federaalka Max’med Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay shirka maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe uga furmay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaalkii uu dhawaan ku iclaamiyay Xarakada Al Shabaab uusan aheyn mid cusub balse uu ahaa dagaal muddo toban sanadood ah socday.

Farmaajo ayaa sheegay in AMISOM sanad walba hal bilyan iyo afar boqol ay  beesha caalamku ku taageerto, xaqiiqdana ay tahay in aysan  sii wadi Karin  taageerada hadii aan lahelin ciidamo Soomaali ah wuxuuna xusay Madaxweynaha in  hadda ay qaati ka taagan yihiin caalamka  qarashka ay bixiyaan, waxaana dhici doonta in AMISOM naga baxdo oo alshabaab iyo anaga  isku harno inagoo kala daadsan ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxwynaha dowlada soomaaliya ayaa ku cel celiyay wadashaqeyn dhex marta dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, waxaana uu ku baaqay in meel looga soo wada jeesto dagaalka dalka looga xoreynayo al-shabaab.wuxuuna carabka ku qabtay in madaxda ku shirsan magaalada muqdisho ay  kulankooda  diirada ku saari doonaan  habdhiska is ku dhafka ciidamada 

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheyneysa guluf dagaal oo xoogan oo ay dalka kaga saareyso Xarakad Alshabaab.

Japan 31ka Oktoobar 2017 uxufiyiin ku soo arruuray guriga ay arrintani ka dhacday Tallaadadan

Booliiska dalka Japan ayaa xiray nin gurigiisa laga helay xubno banii’aadan oo laga soo jaray sagaal ruux.

Guriga ninkaas ayaa ku yaala meel u dhaw magaalada Tokyo.

Booliis ayaa qaboojiye ka soo saaray labo madax oo banii’aadam, firiijka laga soosaaray ayaa yaalay bannaanka guriga ninka laga shakisan yahay oo magaciisa lagu sheegay Takahiro Shiraishi.

Booliiska ayaa baaritaan ku hayay haweenay la waayay marka ay dhacdadan la kulmeen.

Markaas ka dibna waxay heleen xubnaha toddobo ruux oo kale, kuwaas oo iyagana la galiyay qaboojiyeyaal gurigiisa dhexyaalla.

Ninkan 27 jirka ah ayaa looga shakisan yahay xubnaha jirkan.

Xubnaha jirka ee ay booliisku helaan ayaa laga soo kala jaray siddeed rag ah iyo hal dumar ah, xubnaha jirkuna way kala duduwan yihiin sida uu ku warramay wargayska Japan ka soo baxa ee Mainichi Shimbun.

Shiraishi ayaa sheegay in uu dilay sagaalka ruux uuna qariyay maydkooda, sida ay ku warrantay warbaahinta NHK oo soo xiganaysa booliiska.

Dhanka kalana qofka dariska la ah ee ay albaabkoodu isku xigaan ayaa sheegay in ay wax qurmuun u soo uri jireen tan iyo markii uu soo agdagay Shiraishi bishii August, sida ay booliiska iyo Asahi Shimbun sheegeen.

Muqdisho 31ka Oktoobar 2017 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambaliyo ku aaddan guusha doorashada ku celiska ah waxa uu u diray Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta.

Madaxwyenaha ayaa yiri “Aniga oo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaan dowladda iyo shacabka Kenya ugu hambaliyeynayaa guusha dimuqraadiyadeed ee ay gaareen.”

Madaxwyene Farmaajo waxa uu kalsooni weyn ku qabaa in dib u doorashada Madaxweyne Kenyatta ay sii xoojineyso xiriirka wanaagsan ee haatan ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Soomaaliya waxaa kala dhaxeeya Kenya xiriir dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed oo qotodheer, waxaana dowladda ka go’an in ay hormariso nabadda, ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaale ee ay la wadaagto Kenya.

Roomaaniya 31ka Oktoobar 2017 71 qof oo kasoo kala jeedda dalalka Suudaan, Suuriya iyo Soomaaliya, oo ay ku jiraan 20 caruur ah iyo 22 haween ah, ayaa laga soo badbaadiyay  Badda Aegean xilli ay ku socdaalaayeen  doon , waxaa soo badbaadiyay askarta Booliska xuduudka ee Romaaniyadda.

Dadkaan ayaa xilligii lasoo badbaadinaayeen waxa ay ku jireen xaalad adag.

Sida laga soo xigtay Kormeeraha Bilayska Qaranka dadkaani ayaa doonaayay in ay si sharci daro ah ku galaan Qaaradda yurub, waxaana la sheegay in Muddo dhowr Saacadood ah ay dhex jireen Badda.

Ilaalada xuduudaha ayaa gargaar, cunto iyo biyo ugu deeqay dadka la badbaadiyey, iyadoo dhowr saacadood ka dib ay si nabadgelyo ah ugu degeen dekedda magaalada Chios waxaana lagu wareejiyey mas’uuliyiinta Giriigga.

Tan iyo bilawgii snadkaan, ilaalada xuduudaha Romaaniya waxay badbaadiyeen, in ka badan 1,300 oo dad ah oo dhibaato ku haysta doomaha yaryar

Muqdisho 31ka Oktoobar 2017 Shirkani wadatashiga ah oo u dhexeeya Wasaaradaha Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkani wuxuu socon doona muddo labo maalmood ah, iyadoo ay ka qeyb galayaan Wasiirada warfaafinta heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Agaasimayaasha guud ee Wasaaradahaasi, waxaana sidoo kale goob joog ka ah Warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay.

Ajandayaasha looga hadlayo shirka, waxaa kamid ah Xoojinta Iskaashiga Warbaahinta Dalka ee la xiriirta Tabinta habka Warbaahineed iyo doorka looga wada qeyb qaadan karo.

Sidoo kale waxaa looga hadlaya sidii warbaahinta Dowliga ah iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay ay u mideyn lahaayeen aragtidooda ku aadan habka bulshada loogu gudbinayo Macluumaadka.

Muqdisho 31ka Oktoobar 2017 Kulan gaar ah oo u dhaxeeya Xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya iyo Wasiirada Warfaafinta Maamul Gobaleedyada Dalka iyo Sidoo kale Madaxda Warbaahinta Madaxa banaan ayaa Xiligaan ka socdo ee Magaalada Muqdisho ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlayaa sidii looga wada shaqeyn lahaa amaanka Dalka gaar ahaan Tabinta Howlgalada ay qorsheysay Dowladda Soomaaliya in lagu qaado Dagaalamayaasha Al-Shabaab ee ku sugan meelo ka mid ah Soomaaliya.

Waxyaabaha gaarka looga hadlaayo waxaa ka mid ah sidii isku xer buuxa u yeelan lahaayeen Xubnaha warbaahinta u qaabilsan DFS iyo Maamul Gobaleedyada xog dhamestirana loola wadaagi lahaa warbaahinta Madaxa Banaan.

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa soo qaban qaabisay kulankaan waxaana la filayaa in qodobo laga soo saaro markii uu dhamaado.

Dowladda Soomaaliya ayaa isku dayeyso in ay warbaahinta qeyb qaadato baahinta Howlgalada la sheegay in uu dalka ka bilaaban doono iyo wada-shaqeyn dhaxmarta Warbaahinta Madaxa Banaan iyo Dowladda dhexe iyo Warfaafinta Maamul Gobaleedyada.

Muqdisho 31ka Oktoobar 2017 Baxreyn ayaa shaaca qaaday in dowladda Soomaaliya ay ka taageeri doonto dagaalka lagu jiro dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan Gudaha Soomaaliya.

War kasoo baxay Wasiirka Arrimaha dibada dowladda Baxreyn ayaa lagu sheegay in ay ka go’aan tahay sidii dowladda Soomaaliya looga caawin lahaa dagaalka lagu jiro Argagixisadda.

Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay la kulmeyso caqabado badan oo ku saabsan dhanka Amniga.

Dowladdaha Caalamka ayuu ugu baaqay in ay taageeraan Soomaaliya.

“Waxaan Caddeynaa in Soomaaliya aan ka taageeri doono dagaalka lagu jiro Al-Shabaab, waxaa naga go’aan soo celinta Xasiloonida iyo Nabadeynta Soomaaliya” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasiirka Arrimaha dibadda Baxreyn.

Hadalka kasoo baxay dowladda Baxreyn ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Soomaaliya Weeraro iyo Qaraxyo ay kala kulmeyso dagaalyahanada Al-Shabaab

Muqdisho 31ka Oktoobar 2017 Baxreyn ayaa shaaca qaaday in dowladda Soomaaliya ay ka taageeri doonto dagaalka lagu jiro dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan Gudaha Soomaaliya.

War kasoo baxay Wasiirka Arrimaha dibada dowladda Baxreyn ayaa lagu sheegay in ay ka go’aan tahay sidii dowladda Soomaaliya looga caawin lahaa dagaalka lagu jiro Argagixisadda.

Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay la kulmeyso caqabado badan oo ku saabsan dhanka Amniga.

Dowladdaha Caalamka ayuu ugu baaqay in ay taageeraan Soomaaliya.

“Waxaan Caddeynaa in Soomaaliya aan ka taageeri doono dagaalka lagu jiro Al-Shabaab, waxaa naga go’aan soo celinta Xasiloonida iyo Nabadeynta Soomaaliya” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasiirka Arrimaha dibadda Baxreyn.

Hadalka kasoo baxay dowladda Baxreyn ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Soomaaliya Weeraro iyo Qaraxyo ay kala kulmeyso dagaalyahanada Al-Shabaab

Muqdisho 31ka Oktoobar 2017 Koox Bastoolad ku hubeysan ayaa maanta qof shacab ah ku dishay Xaafadda Tarabuunka degmada Hodan ee magaalada Muqdisho sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ay arkeyn Wiil Bastoolad ku hubeysan oo tooganaya qof Sahcab ah oo ku sugnaa Nawaaxiga Isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan lamana oga Sababta keentay.

Qofka la dilay ayaan la ogeyn waxa uu qaban jiray balse dadka deegaanka waxay sheegeyn in uu ka mid ahaa dadka deegaanka ee halkaas ku nool balse aan la ogeyn waxa uu ka shaqeyn jiray.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa ka waramay Dilkii ka dhacay Xaafadaasi iyo Howlgal ay sameeyeen Ciidaanka amaanka.

Dhinaca Kale Taliska Saldhigga Ciidanka Booliska Soomaaliya ee degmada Hodan ayaa xaqiijiyay dilka maanta ka dhacay degmadaasi.

Taliyaha Ciidanka Booliska ee Saldhigga degmada Hodan C/fataax  ayaa  sheegay in la soo qabtay ragii dilka maanta ka geestay degmadaasi kadib Howlgal ay sameeyeen Ciidanka amaanka hadana ay baaritaano ku wadaan.

Taliyaha ayaa sheegay in uusan hada warbaahinta la hadli Karin markii uu soo dhamaado Baaritaanka raga la qabtay ee dilka ka geystay degmadaasina ay Faah faahin ka bixin doonaan Laamaha amaanka.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in uusan ogaanin ilaa hadda waxa uu ahaa qofka la dilay balse lagu guuleestay in la soo qabto qofkii dilay.

Degmada Hodan gaar ahaan Xaafadda tarabuunka ayaa dhowr waxaa lagu dilay dad kala duwan sidoo kale waxaa halkaasi ka dhacay dhowr jeer weeraro kala Duwan oo lagu qaaday Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa Xaafadaasi.

Muqdisho 31ka Oktoobar 2017 Dowladda Imaaraadka oo muddo ka badan dhowr iyo 20 sanno bannaanka ka joogay siyaasadda Soomaaliya, ayaa saddexdii sanno ee u dambeeyey la soo baxday galaangal & weji cusub, waxaanna tillaabooyinka ilaa hadda ay ku dhaqaaqday Imaaraadka ee wax la iska weydiinayo ka mid ah:

1) Hubkii ay ka soo dejisay Dekadaha Boosaaso, Kismaayo & Berbera.

2) Heshiiskii ku saabsanaa dhismaha Dekadda Berbera ee ay la gashay Somaliland.

3) Shirkii ay dhowaan Dubai isugu yeertay Madaxda Maamul Goboleedyada Magaalada Dubai.

4)Amaan Xumada Dalka Qaar kamid ah oo ay Sida lasheegay Lug Ku leeyihiin.

5)Dhaqaale badan oo ay madaxda Maamul Goboleedyadu siiyeen Si Markasta loo khilaafo Goaamada Dowladda Dhexe.

Ganacsiga Soomaaliya Yimaada waxaa marin u ah Dekadaha Imaaraadka, haddii Dekadda Muqdisho ay furanto Imaaraadka waxeey weynayeen dhaqaalihii canshuurta ee ka soo geli jiray duulaankooda, Tan kale, Turkigu dan kasta ha wate ilaa hadda wax wanaagsan ayuu ka sameeyey Soomaaliya, waana walaal soo gurmaday ..

Imaaraadka hal sheey ayeey rabaan oo keliya in ay curyaamiso xiriirka Turkiga & Soomaaliya, waxeey doonayaan in Soomaaliya ay ahaato meel gaajo ah, oo aan wax horumar ah ka jirin Markastana Ayaga Gacmaha Loo Hoorsado.

Muqdisho 31ka Oktoobar 2017Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Galmudug  ayaa ka soo horjeestay wada-hadalada mdaxda Galmudug uga bilaabanaya magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya.

Xildhibaan Duraan Cali Jaamac oo kamid ah baarlamaanka maamulka Galmudug  ayaa sheegay in wada-hadalada la sheegay in dowladda dhexe ay garwadeenka ka tahay ee magaaladda muqdisho ugu bilaabanaya madaxda maaamulkaas ay yihiin kuwa Sharcidaro ah.

Waxa uu sheegay in Galmudug ay leedahay dastuur islamarkaana qaaabilka daga deeganada Galmudug ay iyaga go’aan ka gaari karaan wixii Qaladaad ah ee jira, madaama Galmudug  lagu soo dhisay qaab beel ahaan.

“Arinta wada-hadalka ee madaxda Galmudug waa arin ay si bareer ah ay u sameysay dowladda dhexe ee Soomaliya, laakin ka galmudug ahaan waxaan leenahay baarlamaan, iyo xukuumadd,15-ka bishaan waxaan dooran doonaa madaxweynaha cusub ee dowladd goboleedka Galmudug, sharciga ayaa lagu kala baxayaa, hadii ay taasi dhici weyso waxaa dib loogu laaban doonaa qaabi’ilka oo galmudug ay ku dhisan tahay”, ayuu yiri xildhibaan duraan cali jaamac.

Magaaladda muqdisho waxaa haatan ku sugan madaxda galmudug waxayna kulamo la qaateen madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo,waxaana lagu wadaa maalmaha soo socda in xal laga gaaro khilaafka madaxda sare ee maamulkaas.

https://www.youtube.com/watch?v=6hvWzeoF6gM

WARARKA MAANTA 30ka Oktoobar 2017 Sir Culus Yaa runta qarin kara?
Su’aalaha Maanta: Ma waxuu umalaynayaa khaa’inul waddan Agaasimaha Madaxtooyadda Fahad Yassiin inuu qarin karo musuqmaasuqiisa iyo dowladdaha uu si dadban iyo sida toosan ugu shaqaynaayo si haddii danahooda loo fulin waayo si kasta loo dilo shacabka Muqdisho? Mise khaa’inul waddan Agaasimaha Madaxtooyadda Fahad Yassiin waxa uu umalaynayaa inuu qarin karo warbixinta laga qoray musuqmaasuqiisa ee gaaray heer caalami taasoo ay si fiican wax uga qoreen taatiikhdu markay ahard Luulyo 13ka 2013? Walee shacabka Muqdisho waxaa la joogaa wakhtigii ay dib isu xorayn lahaayeen si ay iska qabtaan khaa’inul waddan Agaasime Fahad Yaasin iyo khaa’imiinta kale ee la shaqeeya shisheeye ah? Ma waxay umalaynayaa Khaa;inul waddan Raysak Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre inuu sii wadi karo lugooyadda iyo heshiisyadda qarsoodiga ah ee uu lagayo shirkaddaha shisheeye ee uu horayba si khaldan ugu soo noqday Agaasime taaso $ 2 milyan oo saami magac-uyaal ah u sheegtay si uu Agaasime ugu noqdo taasoo la rabay in kheyraadka dalka si fudud ay ku dhacdo ayadoo aysan waxba kala socon Ummadda Soomaaliyeed iyo dadkii ay u soo doorteen golaha xildhibaannadda? Sheekadda Iyo ruwaayada maanta taala Muqdisho waxaa jilaya khaa’imiin raba inay bara-kiciyaan shacabka caasimadda Muqdisho marka haddii horay loo diiday inuu gobalka Banaadir helo xuquuqdiisa sida gobaladda kale marka ma waxaa loogu daraa in shacabka gobalka Banaadir si dadban iyo si toos ahba ay u gummaadaan khaa’inul waddan raba inaysan nabad iyo naxariis helin shacabka gobalka Banaadir. Aad iyo aad ayaanu ugu digaynaa inay shacabka gobalka Banaadir iska ilaalshaan iskana hubiyaan ragga matalaya oo dowladdo shisheeye ay si fiican ugu shaqaysanayaan sida ay yiraahdeen hawl wadeenada ugu sar-sareeye Wasaaradda Warfaafinta, waxaa run ah inaysan beesha caalamka wax dhaqaallo siin doonin Dowladda Soomaaaliya inta ay weli raggii sida runta ah u ahaan jiray Shabaab ay weli ka shaqaynaayaan gudaha dowladda.

Muqdisho 30ka Oktoobar 2017 Sida wararka aan ku helayno waxaa goor dhoweyd baaritaan uga bilawaday xarunta ciidamada dambi baarisa ee magaalada muqdisho CID-da meydka mid ka mid ah ragii lagu soo dilay werarkii lagu qaaday hotel naasa hablood2 oo baaritaano lagu wado. Nin ka meydkiisa labaaraayo oo lagu magacaabo weershe cade ayaa lagu sheegay in uu ka tirsanaa ciidamada nabad sugida Spomaliya uuna ka howl gali jiray isgoyska afarta jardiin isagoo ku labisan dareeska cidamada xasalinta amniga ee gobolka banaadir lana sheegay in si aada ay ugaranayeen gadiidlayda wadadaas iyo dadka deeganka .

Weershe cade ayaa ka mid ahaa ragii lagu dilay werarkii hotel naasahablood 2 ee la dilay iminkana la ogaaday in uu yahay askari ka tirsanaa ciidamada nabad sugida balse aysan dowlada ka soo saarin wax war ah o faahfaahsan.

Waxaana la ogeyn sida ay iskugu xirnaayeen gaariga weyn ee qarxay iyo ragaan la dhintay oo uu ku jiro askariga meydkiisa lagu baarayo xarunta CID -da.

Ciidamada uu ka tirsanaa ee weerar ka ku qaaday hotelka ayaa la sheegay in aysan ka dheereyn goobta qaraxa uu ka dhacay oo ay joogeen maqaayadaha shaaha laga cabo oo

Muqdisho 30ka Oktoobar 2017 Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka oo shalay uu shir uga furmay magaalada Muqdisho ayaa shirkooda maanta waxa uu gelayaa maalinkii labaad.

Madaxda ayaa waxaa miiska u saaran qodobo ay ka mid yihiin xiriirka Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada, amniga iyo sidii la isaga kaashan lahaa dagaalka ka dhanka ah ee ururka Al-shabaab.

Madaxda ayaa si gaar ah maanta uga doodi doona arrimaha amniga, kadib markii ururka Al-shabaab maalmihii dambe ay magaalada Muqdisho ka geysanayeen falal lidi ku ah amniga.

Arrinta la xiriirta xiriirka Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada oo mudooyinkii dambe uu aad u yaraa, maadaama Dowladda dhexe ay ku eedeysay Dowlad Goboleedyada in ay si qaldan u isticmaalayeen nidaamka Federaalka.

Gaba gabada shirkan ayaa waxaa la filayaa in la soo saaro war murtiyeed ay ku cad yihiin waxyaabaha ay ka wada hadleen Madaxda Dowladda dhexe iyo maamul Goboleedyada ee ka qeyb galaya shirkan.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya, Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadam, Madaxweynaha Hirshabelle Maxaned Cabdi Waare iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Taabit Cabdi Maxamed.

Maraykanka 30ka Oktoobar 2017 Baaritaannada suurataglnimada in Ruushkuu uu faragaliay doorashadii madaxwaynanimada Mareykanka ee 2016 ayaa lagu wadaa in uu galo waji cusub todobaadkan, xilli ay jiraan warar sheegaya in dadkii ugu horreeyay oo loo xiro arrintani ay dhacayso maanta.

Baaritaankan ayaa hareeyay maamulka madaxwayne trump tan iyo intii uu xafiiska la wareegay bishii Janaayo.

Robert Mueller, oo ah agaasimaha laanta dambi baarista Mareykanka ee FBI ayaa loo magacaabay in uu eego suurtagalnimada xiriir dhexmaray gacanyarayaasha Trump iyo dowlada shisheeye xiligii ololahii doorashadii Mareykanka.

Waxaa sidoo kale la baarayaa lacago si sharci daro ah loo kala wareejiyay, canshuuro aan la bixin iyo dambiyo kale oo dhaqaale.

Waaxda dambi barista Mareykanka ee FBI ayaa sidoo kale baarayaan in Trump iyo kaaliyeyaashiisa ay isku dayeen in ay caqabad ku noqdaan baaritaannada iyo in kale.

Madaxweyne Trump ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in eedeyn waliba oo ah in uu xiriir kala dhaxeeyay Ruurshka ay tahay marin habaabin.

Wuxuu intaa ku daray in xubnaha xisbiga Jamhuuriga ay isaga tageersan yihiin ,waxa uuna ugu baaqay in arrintani ay wax ka qabtaan.

Ma cadda waxa ay dacwadaha noqon doonaan iyo cidda dacwad lagu soo oogi doono ,balse xiritaan waliba oo qof loo xiro arrintani waxa ay noqon doontaa tillaabo loo qaaday baaritaan baaxad leh oo la sameeyo.

Ciraaq 30ka Oktoobar 2017 Madaxwaynaha Kurdiyiinta Ciraaq Masoud Barzani, ayaa jeediyay khudbad kulul ka dib markii ay baarlamaanka gobolkaasi ka aqbaleen codsigiisii ahaa in uu xilka ka dago.

Khudbad uu si toos ah uga jeediyay telefishinka, Mr Barzani waxa uu sheegay in aysan jirin cid garab istaagtay Kurdiyiinta ka dib codeyntii madaxbanaanida ee bishii aanu soo dhafnay.

Mr Barzani ayaa carabka ku adkeeyay in marnaba aan la baab’in doonin natiijada aftidaasi.

Waxa uu xusay in inkastoo uu baarlamaanka sharciyan u kordhin karo muddada uu xilka haynayo hadana uu doorbiday in uusan dalban arrintaasi.

Waxa uu intaa ku daray in siyaasiyiin iska soo horjeeda ay sameeyeen khiyaano qaran ka dib markii ay ciidamada Ciraaq ku wareejiyeen magaalada shidaalka qaniga ku ah ee Kirkuk iyada oo aan wax dagaal ah lala galin.

Masoud Barzani ayaa farta ku fiiqay doorkii ay dagaalyahanada Kurdiyiinta Peshmerga ay ka qaateen dagaalkii la la galay kooxda la baxday dowladda Islamka.

Ka dib is casilaadiisa aya waxa jiray dad isugu soo baxay xarunta baarlamaanka ee Irbil .

Xubinihii ay siyaasada isaga soo horjeedeen mr Barzani ayaa xafiisyadooda isku so xiray si ay uga baxasadaan taageerayasha mr Barzani oo aad u caraysnaa.

Risaas ayaa cirka loo riday si loo kala cayriyo dadka dibad baxa dhigayay.

Muqdisho 30ka Oktoobar 2017 Agaasimihii Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaliya Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa la sheegay in uu xilkiisa ku waayay maqaal uu dhawaan ku qoray Wargeyska Newyork Times ee Kasoo baxa dalka Mareykanka.

Wargeyska The Gurdian ee kasoo baxa dalka Ingiriiska ayaa daabacay In taliyaha shaqo ka ceyrintiisa ayay sabab u aheyd maqaalkii uu qoray oo uu ku sheegay In Hay’adda Amniga Soomaliya aysan laheyn awood ay ku baaraan qaraxyadda islamarkaana Caalamka ay ka gaabiyeen, garab istaaga dowladda Federaalka Soomaliya.

Wargeyska oo la hadlay sarkaal si dhow ula shaqeeya Nabad Sugidda Soomaaliya oo uu magaciisa qariyay ayaa sheegay in shaqo ka ceyrintii Sanbaloolshe xiriir la leedahay maqaal uu daabacay Newyork Times, kaasi oo banaanka soo dhigay dhibaatooyinka ay wajahayaan Hay’adda Amniga dowladda Soomaliya, kadib qaraxyo labo ahaa oo bishaan gudaheeda ka dhacay magaaladda muqdisho.

Muqdisho 30ka Oktoobar 2017 Sida ay Sheegayaan Wararka Waxaa Saakay Xildhibaanada Golaha Shacabka hortagi doono Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed.

Ajendaha kulanka ayaa ah Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Batroolka ,maadaama kol sii horeysay Wasaarada batroolka iyo macdanta Soomaaliya ay gudbisay Sharcigan.

Wasiirka batroolka iyo macdanta Ayaa Maanta waxaa la filayaa in Golaha shacabka uu  u faahfaahin doono hindise sharciyeedkan oo maanta maraya aqrintiisa 1-aad.

Cabdi weli  Sheekh Ibraahim Muudey Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka Soomaaliya ahna ku simaha gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa maanta  shir gudoominaya kulanka Golaha Shacabka.

Muqdisho 30ka Oktoobar 2017 Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa daabacay in dagaalyahanadii sabtii weerarka ku qaaday Hoteelka Naasa-hablood 2 ee Magaaladda Muqdisho ay wateen ID-Kaaradda Hay’adda NISA Soomaliya,dharkooda,sidoo kalena kaararkaas ay ku qornaayeen Magacyada,Sawirrada iyo xogta dadkaas.

Ahmed Yarre oo la sheegay in uu ka tirsan yahay Saraakiisha Hay’adda Nabad Sugida Soomaliya ayaa wargayska The Guardian u sheegay  in ragga weerarka ku galay Hoteelka ay si nabadgalyo ah kusoo mareen dhamaan goobaha ay ku sugnaayeen ciidamada islamarkaana aysan lasoo kulmin wax caqabad ah, madaama ay soo bandhigeen ID-kaarro ay wateen oo muujinaya in ay ka tirsanyihiin Hay’adda sirdoonka Soomaaliya.

“Markuu Askariga ku Tuso ID uu ku qoran Magaciisa , sawirkii iyo halka uu ka Tirsan Yahay, ma haysatid fursad aad kaga hor istaagtid in aad u diido goobaha uu tagayo”, ayuu yiri Ahmed Yarre oo la sheegay in uu ka tirsan Yahay Saraakiisha Hay’adda Nabad Sugida oo la hadlay wargeyska The Guardian.

Weerarkii lagu qaaday Hoteelka Naasa-hablood 2 ee Magaaladda Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay 30-ruux in ka badan 50-ruuxna way ku dhaawacmeen waxaa sheegtay dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.

Dhanka kale Kulan ay shalay yeesheen Golaha wasiiradda Xukuumadda federaalka Soomaliya ayaa xilalkii loogu qaaday Taliyayaashii Booliska iyo nada Sugidda Soomaliya, Jeneraal Saacid, iyo C/laahi Maxamed Cali (Sambaloolshe).

Baydhabo 30ka Oktoobar 2017 Wararka aan ka heleyno Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxa uu sheegayaa in duleedka degmadaas uu ka dhacay weerar khasaaro dhaliyay.

Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ayaa weeraray Bar-Koonforool oo Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ku leeyihiin deegaanka Makuudo ee duleedka Baydhabo waxyarna u jirta Garoonka Diyaaradaha M/Baydhabo waxaana halkaasi ka dhacay dagaal mudo socday.

Al-Shabaab ayaa Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxa ay ku sheegeen in Gacan ku heynta Koontoroolka ay la wareegeen mudo saacado ah in kastoo aan warkaas la xaqiijin.

Majirto dhankooda wax War ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Koonfur Galbeeed ee ku aadan dagaalkaas .

Sidoo kale majiraan Warar Madax banaan oo xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay dagaalka duleedka Baydhabo ku dhex maray Ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa Al-Shabaab

Muqdisho 30ka Oktoobar 2017 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa galabta ka qeyb-galay Munaasabad agu xusayay sanad guuradii 94-aad ee ka soo wareegatay xiligii ay xurnimada qaadatay Jaamhuuriyadda Turkiga.

“Waxaan ugu hambalyeynayaa Dawladda, Shacabka iyo halgamayaashii dalka Turkiga maalinta xoriyadda dalkooda oo dadaal dheer ay u galeen sidii ay isaga qaadi lahaayeen heeryada gumeysiga” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre oo si gaar ah hambalyo ugu diray Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalkaas.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa uga mahadceliyay garab istaagooda dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxuna tilmaamay in doorka Turkiga ee Soomaaliya uu wax weyn ka beddelay xaaladda Soomaaliya.

“Dawladda Turkiga waxaan si gaar ah ugu ammaaneynaa garab istaagoodii waqtigii adkaa iyo sidii ay indhaha caalamka noogu soo jeediyeen, xiliyadii ay dalkan soo wajahday xaaladaha adag oo ugu danbeysay qaraxii bishan ka dhacay Muqdisho oo door lama ilaa waan ah ay ka qaateen” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Oglan Bekar ayaa xusay in Jamhuuriyada Turkiga ay ka go’an tahay mar waliba iney taageeraan Walaalahooda Soomaaliyeed ayna ku garab istaagaan sidii ay mar kale cagahooda isugu taagi lahaayeen.

Munaasadda ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, Madaxweyne-yaasha dawlad gobolleedyada Soomaaliya iyo marti sharaf kale oo dhammaantood hambalyo ku aadan maalinta xoriyadda u diray dawladda iyo shacabka aynu walaalaha nahay ee Turkiga

–DHAMMAAD—-

Spain 30ka Oktoobar 2017 Dacwad oogayaasha dalka Spain ayaa sheegay in ay diyaarinayaan dacwad ka dhan ah hogaamiyihii xilka laga qaaday ee Catalonia, Carlos Puigdemont,.

Xafiiska madaxa dacwad soo oogaha Spain ayaa sheegay in dacwadaha ka dhanka ah Mr Puigdemont lagu wado in la soo bandhigo maanta oo isniin ah.

Mr Puigdemont ayaa diiday in uu aqoonsado amarkii xilka looga qaday ee ka soo baxay xukuumadda madrid.

Labada dhinac ee kala ah xukuumadda Spain iyo hogaamiyayaasha Catalonia ayaa waxa ay kala taagan yihiin mowqifyo adadag.

Mar sii horeysay boqolaal kun oo qof ayaa isugu soo baxay magaalada Barcelona iyaga oo ku baaqayay midnimada Spain.

Xukumadda Spain ayaa la wareegtay awoodihii gobolka Catalonia ka dib markii la kala diray baarlamaankii gobolka islamarkanada shaqada laga cayriyay hogaamiyahood.

Minneapolis 30ka Oktoobar 2017 Allaha u naxariistee Jeneraal Maxamed Abshir Muuse(1926-2017) waxa uu ku dhashay qiyaastii sanadkii 1926kii magaalada Xaradheere ee gobolka Mudug. Sida qaar ka mid taariikhyahanada soomaaliyeed ay sheegeen waxaa uu isaga oo nin dhalinyaro ah kaga soo biirey ciidamadii booliska ee talyaaniga magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Waxaa uu ahaa nin dhalinyaro ah oo karti , fahmad iyo firfircooni u Ilaahay ku maneystey taas oo suurta galisey inuu horumar weyn ka sameeyo xirfadiisii askarinimo. Kadib markii xisbigii gobanimadoonka gobolada koonfureed ee Soomaaliya ee la oran jirey S.Y.L uu dood ku saabsan in dalkooda laga dhigo dal madax banaan sida umaddaha kale ee adduunka ay geeyeen jamciyadda qaruumaha ka dhaxeysa .U.N. ee loo ogolaadey madaxbanaanidaa ayaa waxaa dowladda talyaaniga loo xilsaarey iney diyaariso dad xirfadlayaal oo nidaamka dowladnimo wax ka yaqaan si dadkooda ay u baraan sida loo maamulo dowlad casri oo madani ah.
Iyadoo arintaas laga duulayo waxa ay dowladdii talyaaniga waxbarasho u qaaday saarkiil dhalinyaro soomaali ah oo loogu talagalay in jiilalka ka danbeeya ay baraan dowladnimada iyo kala danbeynta. Nasiib wanaag waxaa uu janaraal Maxamed Abshir Muuse nasiib u yeeshay inuu ka mid noqdo dhalinyaradaas loo qaadey dalka talyaaniga si ay dalkooda iyo dadkooda wax ugu soo bartaan.
Markii uu dalka dib ugu soo laabtey waxaa uu guda galay in waajibkii loo soo tababaray uu u guto si wanaagsan oo u adeego dalkiisa iyo dadkiisa. Markii la aasaasey ciidanka xooga dalka soomaaliyeed oo taliye looga dhigey Jeneraal Daauud Cabdulle Xirsi waxaa ciidanka booliska loo dhiibey Jeneraal Maxamed Abshir Muuse. Sida Jeneraal Daauud Cabdulle Xirsi uu yahay aasaasihii iyo aabihii ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayuu Jeneraal Maxamed Abshir Muuse u yahay aasaasihii iyo aabihii ciidanka booliska soomaaliyeed.
Mudadii uu ahaa taliyaha ciidanka booliska soom aaliyeed waxaa uu dhidibada u taagay dhamaan shuruucda iyo xeerarka ay ku dhaqmaan ciidanka booliska soomaaliyeed isaga oo sameeyey ciidan boolis oo howshooda u guta si xirfadeysan kana kulma xushmad iyo qadarin bulshada soomaaliyeed.
Jeneraal Maxamed Abshir waxaa lagu tilmaamaa taliyihii ugu muddada dheeraa ee soo mara ciidanka booliska soomaaliyeed isaga oo jeclaa shaqadiisa kuna qanacsanaa una gudan jirey si daacad ah oo ay ku jirto wadaninimo iyo dal iyo dad jaceel.
Jeneraal Maxamed Abshir Muuse(1926-2017) Waxaa uu ahaa askari daacad u ah dalkiisa, dadkiisa iyo diintiisa, shaqadiisana u guto si xirfad leh. Wuxuu shaqada ka tagay ka hor inta ciidamadu aysan xoog kula

Dowlad Gobaleedka Somaliland 30ka Oktoobar 2017 Wasiirka wasaaradda arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo la hadlay Saxaafada ayaa waxaa uu  xisbiyada ugu baaqay inay ka fogaadaan wax walbo oo caqabad ku noqon kara Doorashada maamulka Soomaaliland.

Sidoo kale waxa uu Tilmaamay in aad loo danaynayo Doorashada Soomaaliland,isagoona Sheegay in hadii Fowdo laga dhigo ololaha Doorashada ay taasi Dhabar jab ku tahay Doorasha Soomaaliland.

Waxaa uu ugu baaqay Siyaasiyiinta,dadka shacabka iyo Warbaahinta inay si wanaagsan u  ilaaliyaan Nidaamka Doorashada Soomaaliland.

Deegaanada Soomaaliland ayaa Haatan laga Dareemayaa Diyaar garow ku aadan Doorashada,iyadoona inta badan Xisbiyada ay wadaan ololahii ugu dambeeyay ee Doorashada oo ay dadka kaga dhaadhicinayaan Qorshaha ay ku shaqeyn doonaan Hadii ay ku guuleystaan madaxtinimada Maamulka Soomaaliland.

http://www.un.org/ga/search/view_doc.asp?symbol=S/2012/544

WARARKA MAANTA 29ka Oktoobar 2017 Sir Culus Yaa runta qarin kara?
Su’aalaha Maanta: Ma waxaa la qarin karaa argagixisadda Dowladda Soomaaliya ka dhex shaqaynaysa? Yaa qarixyey Hoteel Naaso-Hablood? Ma waxay umalaynayaan inay Ummadda Soomaaliyeed khaldi karaan Ururka Argagixisadda Al-Shabab iyo rag hore uga tirsanaan jiray Argagixisadda Al-Shabab oo hadda taliyayaal sare-sare ka ah laamaha amniga Dowladda Soomaaliya ee dhabaha fashilka qaaday? Xaggee/halkee ku dembeeyey mooshinkii laga keenaya falalka uu safiirka Imaaraadka kucay ee ay xildhibaannadda ka soo gudbiyeen? Ma waxaa la qarin karaa khiyaanadda iyo khaa’inul waddanimadda Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre kucay ee sida qarsoodiga uu horay heshiisyo ula galay Shirkadda Soma Oil and Gas taasoo $ 2 milyan oo saami beenaad ah ugu magacday inuu ku yeelan doono Shirkadda Soma Oil and Gas haddii uu agaasime u noqdo shirkadaas si uu u fududeeyo sidii loo dhici lahaa kheyraadka Ummadda Soomaaliyeed ? Maxaase loo weerary siyaasiyiinta runta u soo gudbinaysay Ummadda Soomaaliyeed ee deganaa Hotel Naaso-Hablood? Maxaad Ummadda Soomaaliyeed ka qarin kartaan inay raggii argagixisadda Al-Shabab ugu caansanaa ee qaraxyada Ummadda Soomaaliyeed ku baabi’in jireen inay hadda taliyayaal sare-sare ka yihiin laamaha amniga? Yaa runta qarin kara? Waa ballan inaysan beesha caalamka wax dhaqaallo ah siin doonin Dowladda Soomaaliya ee argagixisadda wada shaqaalaysay iyo ragga madaxda ka ah ee arrimahan argagixisadda aan wax awood ah ulahayn inay wax ka qabtaan kuwaasoo maxkamad la soo wada taagin doono haddii aysan si deg deg ah shaqada uga cayrin taliyayaashii hore Ururka Argagixisadda Al-Shabaab ee hadda xilalka sar-sare ee laamaha amniga daadihinaya!

Muqdisho 29ka Oktoobar 2017 Wafdi uu hogaaminayey R/wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa waxa maanta duhurnimadii ay kusoo laabteen Dalka gaar ahaan Muqdisho.

Mas’uuliyiin ubadnaa Xukuumada iyo labada Aqal Ee Baarlamaanka ayaana soo dhaweeyey Wafdiga R/wasaaraha oo ay kaga hortegeen Garoonka Aden Cade Airport.

R/wasaare Kheyre ayaa intuu kusugnaa Turkiga lasoo kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyada Dalkaasi Raccep Dayyib Erdogan,R/wasaare Binali Yildrim iyo Mas’uuliyiin kale.

Waxa uu Mudane Xasan Kheyre soo booqday dhaawacyada dadkii la geeyey Ankara oo ku waxyeeloobay weerarkii Bahalnimada ahaa ee ka dhacay Muqdisho 14-kii Bishaan October.

Intuu joogay Ankara Mudane Kheyre waxaa dhacay Baratakool Xumo oo la waayey Calankii dalka martida loo ahaa iyo kii Soomaaliya xilli R/wasaare Yildrim uu garan waayey booska uu istaagi lahaa,qofka Mas’uulka martida loo yahay sawir marka lawada galayo Qofka martida ah waxaa la fadhiisiyaa ama la istaajiyaa dhanka midig ee qofka lasoo martiyay. balse ma dhicin.

Muqdisho 29ka Oktoobar 2017 Gudoomiyaha Gobolka banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay qaraxii iyo weerarkii shalay lagu qaaday Hoteelka Naasa-hablood 2 ee Magaaladda muqdisho.

Taabid ayaa tacsi u direy qoysaska dadka ku waayay weerarkaas, wuxuuna sheegay in ka maamul ahaan ay aad kaga xun yihiin in muddo 2-todobaaad kadib in musiibo kale ay ka dhacdo Muqdisho.

“Lama aqbali karo in 2 Isbuuc gudahood masiibo kale inagu dhacdo. Waa in si dhab ah la iskula xisaabtamaa, mas’uuliyaddana dusha loo ritaa. Waxaan aaminsanahay sida keliya oo musiibooyinkan oo kale looga hortagi karo waa inay qof waliba shaqadeedu si sax ah u gudataa..” ayuu yiri Guddoomiyaha G/Banaadir oo farriin soo dhigay bartiisa Facebook.

Maraykanka 29ka Oktoobar 2017 War Qoraal ah oo ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa looga hadlay Weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Gelinkii dambe ee Shalay Hotelka Naasa-hablood qeybtiisa Degmada Xamar-weyne ee Magaalada Muqdisho,waxaana lagu sheegay Warka ka soo Baxay Mareykanka in si weyn ay u Cambaareynayaan Qaraxii lagu laayay Dadkii ku sugnaa Hotelka Naasa-hablood2 ee Muqdisho islamarkaana ay tacsida la wadaagayaan Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed intaba.

Dhanka kale War Kooban oo uu Bartiisa Twitter-ka ku qoray Wakiilka QM u jooga Soomaaliya Ambassador Micheal Keating ayuu ku sheegay in Weerarka Al-shabaab ay ku qaadeen Hotelka Naasa-hablood uu ahaa mid Fuleynimo ah islamarkaana lagu dilay Dad aan waxba galabsan.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Weerarkii Gelinkii dambe ee Shalay ka dhacay Hotelka Naasa-hablood 2 ee magaalada Muqdisdho.\

Muqdisho 29ka Oktoobar 2017 Afhayeenka Wasaaradda Amniga C/casiis Cali Ibraahim Xildhibaan oo Saxaafadda kula hadlay Hotelka Naasa-hablood 2 ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Saakay Aroortii la soo gaba gabeeyay Weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Hotelka Naasa-hablood 2 ee Degmada Xamar-weyne,waxaana uu xusay in Ciidamada Ammaanka ay soo Afjareen.

Afhayeenka ayaa sheegay in Ragga soo Weeraray Hotelka Naasa-hablood 2 ee Degmada Xamar-weyne ay gaarayeen Shan Islamarkaana Labo kamida ay Isqarxiyeen Saddex kale oo Noolna gacanta lagu hayo.

Dhanka kale waxaa Saakay laga soo saaray Hotelka Naasa-hablood 2 ee Al-shabaab ay Weerareen Meydadka tiro Dad ah oo u badnaa Dad Shacab ah oo ku dhintay Qaraxii Al-shabaab ay ku qaadeen Hotelka sida ay noo Xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Laamaha Ammaanka.

Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed 29ka Oktoobar 2017 Shalay gelinkii dambe ayaa Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa waxaa lagu weeraray Hotelka Naasa-Hablood 2 ee Magaalada muqdisho qaraxaasna waxaa xigay rag Gudaha u galay Hotelka kuwaas oo ka daagalamay.

Dad farabadan ayaa weerarkas ku geeriyooday halka Masuuliyiin kale la soo badbaadiyay.

Xalay ilaa saakay Ciidamada amniga Soomaaliya ayaa ku howlanaa badbaadinta dadkii ku jiray Gudaha Hotelka.

Dadka Caanka ah ee ilaa iyo hadda ku geeriyooday waxaa ka mid ah Cabdi Naasir Gaarane oo horay u soo noqday Xildhibaanadii Baarlamaankii 9,aad Wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha hadana waxaa uu ka mid ahaa Guddiga taakuleynta Ciidamada.

Sidoo kale taliyihii Saldhiga Booliiska Deeyniile iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed Maodobe Nuunoow marna ka mid noqday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ciidamada amniga oo iskudayay in howlgalkaas ay wadeen in ay dadkaasi hotelka ku jiray ay badbaadiyaan ugu dambeyna ay soo gaba gabeeyeen.

Afhayeenka Wasaarada Amniga C/Casiis Xildhibaan oo Saxaafada kula hadlayay Afaafka hore ee Hotelka ayaa sheegay in Raggii weerarka soo qaaday ee Al-Shabaab Saddex ka mid ah haatan Gacan lagu haayo.

Xaalada Goobta xiligaan waa ay wanaagsan tahay waxaana la arkayaa Burburka xoogan ee soo gaaray hotelka iyo dhismayaasha kale eek u dhaw dahw.

Muqdisho 29ka Oktoobar 2017 Shalay gelinkii dambe ayaa Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa waxaa lagu weeraray Hotelka Naasa-Hablood 2 ee Magaalada muqdisho qaraxaasna waxaa xigay rag Gudaha u galay Hotelka kuwaas oo ka daagalamay.

Dad farabadan ayaa weerarkas ku geeriyooday halka Masuuliyiin kale la soo badbaadiyay.

Xalay ilaa saakay Ciidamada amniga Soomaaliya ayaa ku howlanaa badbaadinta dadkii ku jiray Gudaha Hotelka.

Dadka Caanka ah ee ilaa iyo hadda ku geeriyooday waxaa ka mid ah Cabdi Naasir Gaarane oo horay u soo noqday Xildhibaanadii Baarlamaankii 9,aad Wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha hadana waxaa uu ka mid ahaa Guddiga taakuleynta Ciidamada.

Sidoo kale taliyihii Saldhiga Booliiska Deeyniile iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed Maodobe Nuunoow marna ka mid noqday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ciidamada amniga oo iskudayay in howlgalkaas ay wadeen in ay dadkaasi hotelka ku jiray ay badbaadiyaan ugu dambeyna ay soo gaba gabeeyeen.

Afhayeenka Wasaarada Amniga C/Casiis Xildhibaan oo Saxaafada kula hadlayay Afaafka hore ee Hotelka ayaa sheegay in Raggii weerarka soo qaaday ee Al-Shabaab Saddex ka mid ah haatan Gacan lagu haayo.

Xaalada Goobta xiligaan waa ay wanaagsan tahay waxaana la arkayaa Burburka xoogan ee soo gaaray hotelka iyo dhismayaasha kale eek u dhaw dahw.

Muqdisho 29ka Oktoobar 2017 Kadib markii uu u yeeray Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo madaxda ugu sareysa Maamulka Galmudug ee iskhilaafsan ayay xalay soo gaareen Gudaha Magaalada Muqdisho..

Maxamed Xaashi Cabdi Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo labadiisa ku xigeen ayaa Muqdisho waxaa  kaga soo horeeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf kaas oo ka qeybgeli doona Shir Maanta ka furmaya Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa haatan bilaabeysa xal u helista xiisada ka taagan Galmudug iyo sidii ay heshiis u kala dhexdhigi laheyd Madaxda iskhilaafsan ee Galmudug.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa horay u sheegay in dowladda Soomaaliya ay faragelin ku heyso isla markaana ay dhaqaalo ku bixineyso Xildhibaano iyo Siyaasiyiin si looga eryo Galmudug.

Xiisada Galmudug ka taagan ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii Xildhibaanada Galmudug oo laba u kala jabay ay xilalkii ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug Madaxweyne ku xigeenka, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa haatan laga sugayaa xal ka gaarista khilaafka u dhaxeeya Madaxda Maamulka Galmudug.

Masar29ka Oktoobar 2017 Madaxwaynaha dalka Masar Cabdul Fatax al-Sisi aya badalay madaxii militariga dalkaasi todobaad ka dib markii askar ka tirsan ciidamada ammaanka lagu dilay Koonfurta magaalada Qaahira.

Digreeto madaxwayne oo la soo saaray ayaa waxa lagu dhawaaqay in Janaraal Maxamed Farid Hegazy uu noqonayo madaxa cusub ee ciidamada qalabka side.

Dhanka kale wasiirka arrimaha gudaha ayaa xilka ka qaaday afar ka mid ah saraakiisha sarsare.

Tillaabooyiinkan ayaa ku soo beegmaya ka dib weerarkii todobaadkii aanu soo dhaafnay ka dhacay dalkaasi,kaasi oo lagu qaaday ciidamada ammaanka.

Weerarkaasi ayaa waxa ku dhintay askar kor u dhaafaysa 10 askari.

Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed 29ka Oktoobar 2017 Maamulka Koonfur Galbeed ayaa xaqiijiyay in uu ku dhintay Weerarkii Hotel Naasa hablood 2 Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulkaasi Madoobe nuunoow Maxamed.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed ayaa xaqiijiyay geerida Wasiirka.

Waxaa uu ka mid ahaa siyaasiyiinta degan Gudaha Hoteelka, waxaana la sheegay in ay toogteen raggii hubeysnaa ee galay Gudaha Hoteelka.

Waxaa sii kordhay Khasaaraha ka dhashay Qaraxii iyo sidoo kale weerarkii ka dhacay Hoteel Naasa Hablood 2.

In ka badan 20 qof ayaa ku dhimatay Weerarkaasi,waxaana ku dhaawacantay tiro intaasi ka badan.

Muqdisho 29ka Oktoobar 2017 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeynaaya muwaadiniintii ku geeriyooday weerarkii argagixisada ahaa ee lala beegsaday Hoteel Naaso hablood.

Madaxweynahu waxa uu Alle uga baryey in uu naxariistiiisa Janno ka waraabiyo dadkii ku shahiiday weerarkaas arxan darrada ah.

“ Inaa Lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun. Waxa aan Alle uga baryayaa in uu Janadiisa ku manaysto, dadkii Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ee lagu laayey weerarkaan. Intii dhaawacanta iyagana waxa aan ugu ducaynaynaa in Alle uu siiyo caafimaad deg-deg ah.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku tilmaamay weerarkaan mid ay doonayso argagixisada Alshabaab in ay ku cabsi galiso shacabka Soomaaliyeed ee ku baraarugay musiibadii 14ka Oktoobar, taas oo horseedday midnimo iyo istaakulayn ay muujiyeen shacabku dal iyo dibadba.

“Waxaa cabsi galiyey dadkeenna midoobay ee is garab-istaagay xilligii adkaa iyaga oo muujinaya sida ay uga go’antahay in ay ka qayb qaataan abaabulka lagu nabadaynayo dalka.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in falalka noocaan oo kale ah aysan marnaba niyad-jab ku noqonayn qorshayaasha iyo howlgallada dowladda ay kaga hortagayso dhibaatada ay ku hayaan shacabka argagixisada Alshabaab.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir

Muqdisho 29ka Oktoobar 2017 In ka badan 18-ruux ayaa ku dhimatay 30-kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii weerar qarax ku bilowday lagu qaaday hotelka naasahablood 2 ee magaalada muqdisho.

Weerarka ayaa ku bilowday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lagu qarxiyay ilinka hore ee hotelka naasahablood 2 ee magaalada muqdisho, waxaana qaraxa kadib gudaha hoteelka galay rag hubeysan oo ka tirsanaa Xarakada Al–shabaab.

Dableyda hubeysan ayaa waxaa u suurta gashay in ay la wareegaan guud ahaan hoteelka naas-hablood, waxaa muddo kadib goobta soo gaaray ciidamada gaashaan ee dowladda soomaliya kuwaasi oo ragga hubeysan oo tiro ahaan gaarayay 3-ruux kala wareegay qeybaha hoose ee hoteelka waxaana ragga hubeysan ay mar kale la wareegeen qeybaha sare ee hoteelka.

Ciidamada amaanka dowladda Federaalka soomaliya ayaa soo badbaadiyay wasiirka tamarta iyo biyaha xukuumadda soomaaliya saalim caliyow ibrow,sidoo kale ciidamada ayaa soo bad baadiyay wadaadka caanka ah sheekh cali wajiis oo ka mid ah guddiga taakuleynta ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed.

illaa tobaneeyo kale oo hotelka ku go’doonsanaa  ayay ciidamada gaashaan ee dowladda Federaalka Soomaliya kasoo badbaadiyeen gudaha hoteelka, oo ay daganaayeen xubno ka tirsan dowladdda Soomaliya, iyo marti sharaf kale.

Xubnaha weerarka ku dhintay waxaa kamid ahaa Ex xildhiban wasiir Abdinasir Garane, Wasiir madoobe Nuunoow Maxamed wasiirkii arrimaha gudaha ee maamulka koonfur galbeed soomaliya, taliyihii degmada deyniile ee gobolka banaadir  taliye fanax, siyaasi zakariye maxamud ciise.

Ragga hubeysan ee gudaha hoteelka ka dhex dagaalamayay ilaa saqdii dhexe ee Xalay waxaa ay adeegsanayeen bambaanooyinka gacanta laga tuuro waxayna ciidamada Dowladda ku jawaabanayeen  hub culus.

Sida ay inoo sheegeen saraakiisha amaanka Dowladda Soomaliya waxaa la toogtay seddexdii ruux ee gudaha hoteelka ka dhex dagaalamaysay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka lagu qaaday Hotelka Naasahablood 2 oo ku yaalla degmada Xamar weyne ee Gobolka banaadir.

Muqdisho 29ka Oktoobar 2017 Waxaa lagu waddaa Magaalada Muqdisho in uu maanta ka furmo Shirka Madaxda maamul goboleedyadda iyo sidoo kale dowladda Soomaaliya.

Shirkaan ayaa horay waxaa u shaaciyay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed, waxaana lagu wadday in uu furmo shalay,inkastoo uu dib u dhacay oo maanta lagu balamay.

Waxaa Magaalada Muqdisho ku sugan dhammaan Madaxda maamul goboleedyadda.

Shirkaan ayaa waxaa si weyn diiradda loogu saari doonaa Khilaafka ka dhaxeeya dowladda Dhexe iyo maamul goboleedyadda.

Muqdisho 29ka Oktoobar 2017 Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Kenya, Wafula Chebukati, ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey halka ay marayso tirinta codadkii laga dhiibtay doorashadii madaxtinimada ee ku celiska ahayd.

Gudoomiyaha iyo saraakiil kale oo ka tirsan gudida oo warfidiyeenka kula hadlay xarunta guud ee tirinta codadka ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyey sababaha ay u cuskadeen in ay hakiyaan doorashadii laga qaban lahaa afar gobol oo galbeedka dalka ku yaal, kuwaas oo marka hore ay qorsheeyeen in ay maanta soo Sabti ah ka dhacdo doorashadu.

Wuxu sheegay in sababahaas ay ka mid yihiin in shaqaalahii doorashadu aanay gaadhin goobahaas wakhtigii loogu talo galay.

Waaxnu yidhi “guddi ahaan wax kastaa waa naga diyaar laakiin waxa jira arimo dhinaca nabad gelyada ah oo ay tahay inaanu tix gelin siino, marnaba halis ma gelin karno nolosha shaqaalahayaga”.

Waxa kale oo uu intaa ku daray in gudidi shir yeelan doonaan ay kaga arinsanayaan talaabada xigta ee ay qaadayaan “shacabka dalka waanu u sheegi doonaa waxa aanu ka damacsannahay goobahaas aanay doorashadu ka dhicin waxa laga yeelayo”

Wuxu sheegay in ay xarunta dhexe soo gaadhay natiijada 260 degmo doorasho oo ka mid ah 290 degmo doorasho ee ay doorashadu ka dhacday, taas oo ka dhigan buu yidhi in 37,161 goob codbixineed oo ka mid ah 40,000 ay natiijadoodii haatan gacanta ku hayaan.

Mar la waydiiyey sida uu ku caddayn karo qiyaasta ay gudidu shaacisay ee ah in tirada dadka codbixinta u soo baxay ay ahayd boqolkiiba 48, gudoomiyuhu wuxu yidhi “marka la eego dadka lagu xajiijiyey qalabka elektarooniga ah ee codka lagu dhiibanayey iyo tirada guud ee diiwaan gashan waxaa noo caddaatay in codbixiyeyaasha diiwaan gashan boqolkiiba 48 ka mid ahi ay codkooda dhiibteen”.

www.somaoilandgas.com/shareholders/

WARARKA MAANTA 28ka Oktoobar 2017 Sir Culus Yaa runta qarin kara?
Su’aalaha Maanta: Runta ma qarin karaa Been-Hawaas Madaxweyne Mudane Madaxed Cabdilaahi Farmaajo sida uu kashifay Wasiirka Warfaafinta Iyo shaqaalaha runta jecel ee u soo gudbiya xaqiiqda Ummadda Soomaaliyeed? Yaa Muqdisho Qarixii weynaa gaystay? Yaa Taliye Qalbi-dhagax u diibay Ethiopia? Maxuuse Madaxweyne Farmaajo shalay u lahaa Ethiopia waxay diidan tahay jiritaanka Soomaaliya oo ayadaa weli wax ka burburinaysa Soomaaliya? Maxuuse Madaxweyne Farmaajo u dhahay hadda Ethiopia waa walaalaheen oo waxay naga dhicinayaa cadowga Al-Shabab? Ma Ethiopia oo rabta inay sii baabi’iso jiritaanka Ummadda Soomaaliyeed baa nabad iyo xasillooni ka shaqayn mise wixii xummaa ee lagu yiqiinay oo ahaa inay hub iskugu dhiibto qabiilada Soomaaliyeed si ay iskugu dilaan? Maxaad ka ogtihiin lacagta ay Dowladda Soomaaliya siisay xisbiga Waddani ee uu hadda hoggaaminayo Dibolomaasi Cabdiraxmaan Ciro oo kashifay dadkii uu laayey Mr. Muuse Biixi? Maanta yaa runta Ummadda Soomaaliyeed ka qarin kara? Waa xaqiiqo inay beesha caalamka wax dhaqaallo ah siin doonin Dowladda Wada Dadban ee uu hoggaaminayo Khaa’inul Waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre oo heshiiskii hoose uu la galay Shirkadda Soma Oil and Gas si fiican ay isla shirkaddaas ay ku kashiftay boggeeda ayadoo caddaysay inuusan wax saami ah u darsan Shirkadda Soma Oil and Gas balse aqbalay saami magac-uyaal si ay shirkaddaas u dhacdo kheyraadka dalka.

Muqdisho 28ka Oktoobar 2017 Magaalada Muqdisho ayaa saacaddaha soo socda waxaa kusoo wajahan Madaxda maamul goboleedyadda intooda badan.

Madaxda maamulada Puntland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Jubbaland ayaa lagu waddaa in ay soo gaaraan Muqdisho si ay uga qeyb galaan Shirka ka furmaya Muqdisho.

Garoomadda diyaaradaha Magaalooyinka maamulada ayaa laga dareemaya diyaargarowga soo bixitaanka Madaxda maamulada.

Maanta ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ka furmaya Shirkii todobaadkii hore uu ku dhawaaqay Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in dowladda iyo maamulada ay shiraan.

Shirkaan ayaa waxaa si weyn diiradda loogu saari doonaa Khilaafka ka dhaxeeya dowladda Dhexe iyo maamul goboleedyadda.

Muqdisho 28ka Oktoobar 2017 Agaasimaha Hay’adda Nabad sugidda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Sanbaloolshe ayaa ku dhalleeceeyey beesha caalamka, gaar ahaan waddamada US, UK iyo Qaramada Midoobay inay ka gaabiyeen inay hay’adaha amniga Soomaaliya ku caawiyaan khibrad iyo qalab farsamo si ay uga hortagaan weerarada Al-Shabab.

Sanabaloolshe ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay soo dhowaynayso garab istaaga beesha caalamka, gaar ahaan kadib weerarkii dhowaan ka dhacay Muqdisho, balse haddana dagaalka Al-Shabab uu u baahan yahay wax ka badan dhalleecayn iyo cambaarayn.

Agaasimaha hay’adda nabadsugidda waxa uu ku sheegay qoraalkiisa jariiradda New York Times in Soomaaliya ay u baahan tahay kaalmo dhinaca khibaradda iyo qalabka iskugu jirta, iyo weliba qaab cusub oo uu yeesho iskaashiga ay leeyihiin hay’adaha amniga Soomaaliya iyo kuwa caalamka.

Sanbaloolse waxa uu muujiyey in hay’adda nabadsugidda ay caqabado ka haystaan dhinaca ka hortagga weerarrada Al-Shabab ee qaraxyada, isagoo sheegay in Al-Shabab ay si weyn u kordhiyeen isticmaalka qaraxyada iyo weliba culayska ay leeyihiin oo uu sheegay inuu ku bilowday ilaa 100 kiilo haatanna uu gaadhayo ilaa 1000 kiilo.

Waxa uu sheegay Sanbaloolshe in hay’adaha caalamka ee leh khibradda inay ka gaabiyeen inay iskaashi dhinaca wadaagista xogta ah ay siiyaan hay’adda nabadsugidda. Waxa uu sheegay in khubarada waddamada qaarkood ay yimaadaan Soomaaliya kadibna baadhitaan ay ku sameeyaan qaraxyada, balse natiijada qaraxada aysan dib ugu soo celin hay’adaha Soomaaliya.

Haddaba qodobada uu ku sheegay agaasimaha nabadsugidda ma ku sax yahay? Matt Bryden waa khabiir ka faallooda arirmaha amniga iyo istiraatijiyada gobolka Geeska Afrika, waxaana u shalay ka soo laabtay magaalada Muqdisho. Waxa uu sheegay in hadalllada agaasimaha ay wax ka jiraan.

Matt Bryden waxa uu yidhi: “Waxaan ka fahmay farriinta agaasimaha marka la eego qaraxyada waxay dawladdu codsanaysay kaalmo khaas ah oo ay kaga hortagto weerarrada waaweyn mana aysan helin. Waxay isku dayeen haydaha amniga ee Soomaalidu inay yareeyaan halista balse ma helin kaalmo ku aaddan sidii ay u joojin lahaayeen qaraxyada oo ay ka yimaadaan geerida iyo dhaawaca ka dhasha weerarada Al-Shabab badankood”.

Matt Bryden oo ah agaasimaha hay’adda Sahan Research waxa uu sheegay in qiimaynta ay hay’addiisu samaysay ay ku ogaatay in laamaha amniga Soomaalidu heleen qalab loo adeegsado sidii loo furfuri lahaa qaraxyada, balse aysan haysan shaybaarkii baadhista iyo qiimaynta khibradeed ee kasoo baxda baadhitaanka.

Dowlad Gobaleedka Puntland 28ka Oktoobar 2017 Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay Galmudug in Al-shabaab ay u ogolaadeen in deeganada gobolka mudug ay kula dagalamaan ciidamada Puntland.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Cabdi Cali Xirsi (Qarjab) oo la hadlay idaacadda simba ee magaaladda muqdisho ayaa sheegay in baaritaano badan ay sameeyeen ay ku ogaadeen in Al-shabaab badan ay ka qeyb qaateen dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deeganada gobolka mudug, iyagoo garab siinaya Ciidamada Galmudug.

Waxa uu sheegay in ciidamada difaaca maamulka Puntland ay dileen rag badan oo Al-shabaab ka tirsanaa kuwaasi oo la ogaaday halka ay ka yimaadeen markii hore.

Sidoo kale Wasiirka warfaafinta maamulka Puntland Cabdi Cali Xirsi (Qarjab) ayaa sheegay in Puntland ay difaaci doonto shacabkeeda.

Uganda 28ka Oktoobar 2017 Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweeri Museveni ayaasheegay inuu diyaar u yahay inuu Somalia u soo diro 5,000 oo Askari, si ay uga mid noqdaan Hawlgalka AMISOM.

Wargeyska The Monitor ee ka soo baxa magaalladda Kampala ayaa qoray inuu Madaxweyne Museveni u sheegay Saraakiil Maraykan inay Uganda diyaar u tahay inay 5,000 oo Askar dheeraad ah u diro Somalia , si ay u xoojiyaan Hawlgalka AMISOM ee La-dagaalanka Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Wargeyska kale ee Daily Monitor ee ka soo baxa Kampala ayaa isagana qoray inuu Jeneral Museveni hadalkaasi shaaciyey mar uu Kulan la qaatay Ku-simaha Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka ugu qaabilsan Arrimaha Afrika, Ambassador  Donald Yamamoto.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Uganda waxa uu shuruud ku xiray si uu Ciiddamo dheeraad ah ugu soo dirao Somalia, haddii ay Beesha Calaamka ballan qaadaan inay kordhin doonaan Malagelinta aMISOM iyo in loogu deeqo Qalab Milliteri  oo ay ka mid yihiin Diyaaradaha Helikopteradda ee wax  lagu weerari karo.

Uganda waxaa Somalia ka jooga in ka badan

Hargaysa 28ka Oktoobar 2017 Murashaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaradka ee waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi Ciro .

Iyadoo wax ka yar bil ay ka harsantahay doorashada Jamhuuriyada iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa waxaa xalay la weeraray hoyga uu magaalada Hargeysa ka deganyahay murashaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaradka ee waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi Ciro .

Gudoomiyaha kumeel-gaarka ee xisbiga waddani Cabdilqaadir Ismmaaciil jirde ayaa BBC-da u sheegay in koox dhallinyaro ah ay xalay soo weerareen guriga Cabdiraxman Ciro.

Cabdilqaadir ayaa waxaa kale oo uu sheegay in dhallinyaradaasi ay ku tuhmayaan inay soo abaabuleen cidda tartanka doorashada uu kala dhexeeyo, wuxuuna intaa ku daray in dhalinyaradaasi ay dhagax ku dhaawaceen askari ka mid ah ilaalada guriga.

Taliyaha guud ee ciidammada boliiska ee Somaliland Jeneral Cabdillahi Fadal iimaan oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in falkaasi loo soo qabtay afar dhallinyaro ah iyo baabuur, haatan na ay wadaan baaritaan ku aadan arrintaasi, wuxuuna ugu baaqay xisbiyada inay xakameeyaan taageerayaashooda gaar ahaan dhallinyarada, isagoona intaa raaciyay in booliska ay gacan bir ah ku qaban doonaan cid kasta oo ku kacda fal noocaasi oo kale ah.

Jeneral Cabdillahi Fadal iimaan ayaa sidoo kale sheegay in isla xalay ay qabteen dhallinyaro weerartay xafiis xisbiga kulmiye uu ku leeyahay xaafadda sheekh Madar ee magaalada Hargeysa .

Guud ahaan magaalooyinka jamhuuriyada iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa waxaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday ololaha siyaasada ee xisbiyada ku loolamayo doorashada lagu wado inay Somalialnd ka dhacdo 13-ka bisha Novembar.

Dowlad Gobaleedka Jubbaland 28ka Oktoobar 2017 Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “ Axmed Madoobe “ ayaa ka hadlay isqab qabsiga la xiriira dhulalka ee u dhaxeeya dadka ku nool Magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in shacabka Kismaayo ay isku dilaan kiisas la xiriira dhulal aan sharci ahayn.

Waxa uu tilmaamay in Askarta loogu baahan yahay in aysan shacabka ku nool Kismaayo aysan u kala eexan isla markaana loogu baahan yahay iney shacabka Kismaayo u dulqaataan.

Sidoo kale Axmed Madoobe Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in guryaha la dhisayo iyo kuwa la isku heysto aysan sharci ahayn dhamaantood.

Waxa uu ugu digay dadka guryaha ka gadanaya Kismaayo iyo duleedkeeda gaar ahaan goobaha dowladda ay leedahay in aysan lacagahooda isaga qasaarin.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa xusay in cidii dhaqaalo ku bixisaa dhismaha iyo iibsashada guryaha ay leedahay dowladda in hadhaw lagala wareegayo oo aysan dowladda u qabsan Karin lacagaha ay iska lumiyeen.

Waxa uu ugu baaqay iney isaga tanaasulaan qorshaha ay guryaha kaga iibsanayaan goobaha ay dowladda sharciga u leedahay.

Muddooyinkii dambe ayaa dadka ku nool magaalada Kismaayo iyo duleedkeeda waxa ay isku qabsanaayeen dhulal banaan, waxaana qaarkood Xabsiga dhigay Ciidamada amaanka Jubbaland ka dib markii ay rabshado bilaabeen gudaha iyo banaanka magaalada.

Jarmalka 28ka Oktoobar 2017 Maxkamad ku taalla magaalladda Frankfurt ee dalka Jarmalka waxaa shalay la soo taagay Muwaadin Somali haysta dhalshadda Jarmalka, kaasi oo lagu soo oogay inuu ka soo barbar dagaalamay Alshabaab.

Wargeyska Expatica ee ka soo baxa dalkaasi ayaa sheegay in Ninkaasi oo magaciisa lagu soo koobay Abshir A, ayaa la sheegay inuu sannadkii 2012-kii u soo socdaalay Somalia, kuna biiray Dagaalamayaasha Alshabaab.

Maxkamaddu waxay kaloo sheegtay in Eedeysanaha oo 29-jir ah  uu 4 bilood tababar la qaatay Alshabaabka, waa sida hadalka loo dhigay.

Waxaana Eedeysanaha lagu xiray Jarmalka isla markii uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Frankfurt bishii July ee sannadkii hore.

Dhinaca kale, Maxkmamadda Frankfurt oo ku taalla Galbeedka Jarmalka, waxay Eedeysanaha Abshir A, ku xukuntay xabsi dhan 2 sanno iyo 10-bilood.

China 28ka Oktoobar 2017 Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in ay xoojinayso howlgalka ka dhanka Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ee ka socda Xeebaha Soomaaliya iyo sidoo kale meelaha ka baxsan.

Dowladda Shiinaha waxa ay sheegtay in ay muhiim tahay in laga shaqeeyo ciribtirka Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida oo Sanadkaan soo laba kacleeyay.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Shiinaha  Geng Shuang ayaa sheegay in dowladda Shiinaha ay ciidamo dheeraad ah iyo sidoo kale Maraakiib dagaal ay u soo diridoonto Soomaaliya.

“Dowladda Shiinaha waxa ay sii xoojinaysa dagaalka Caalamiga ah ee ka dhanka ah kooxaha Burcad badeeda Soomaalida, waxaana xusid mudan in Shiinaha  uu  ka hortagay Weeraro badan oo ay soo abaabuleen Burcadbadeeda” ayuu yiri Geng Shuang

Ciidamada dowladda Shiinaha ayaa 2008-dii kusoo biiray dagaalka ka dhanka ah  Kooxaha Burcadbadeeda.

Isbaanishka 28ka Oktoobar 2017 Rai’sul wasaaraha Spain Rajoy (Bidix )iyo hogaamiyaha Catalonia Mr Puigdemont

Rai’sul wasaaraha Spain Mariano Rajoy ayaa kala diray baarlamaankii maamulka Catalonia.

Rai’sul wasaaraha ayaa sidoo kale ku baaqay doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay .

Tillaabadan ayaa ka dambeysay ka dib markii baarlamaanka maamulka Catalonia ay u codeeyeen madaxbanaanida gobolka Catalonia.

Rai’sul wasaaraha Spain Mariano Rajoy ayaa sidoo kale xilka ka qaaday oo shaqada ka cayriyay hogaamiyihii Catalonia Carles Puigdemont.

Waxaa sidoo kale shaqada laga cayriyay taliyihii booliiska gobolka Catalonia.

Dhibaatada gobolka Catalonia ayaa bilaabatay ka dib markii gobolkaasi ay ka dhacday afti ay ku tilmaamtay sharci daro maxkamada dastuuriga dalkaasi.

Hogaamiyayaasha maamulka Catalonia ayaa waxay sheegeen in boqolkiiba 90 ay u codeeyeen aftida madaxbanaanida.

https://www.facebook.com/Shacabkanews/videos/1474770039296875/?hc_ref=ARRtHg6hm5B_tY7oUilmwFcsKNcOGquPFOStmq53XJ6Nv1DfdFxnzK8NrgI2zHGgDo0&pnref=story

Somalia needs conciliatory not confrontational politics
http://www.heritageinstitute.org/wp-content/uploads/2017/10/HIPS-Policy-brief-English-version-.pdf

WARARKA MAANTA 27ka Oktoobar 2017 Sir Culus Yaa runta qarin kara?
Su’aalaha Maanta: Ma ogtihiin inay gabartii askariyada ahayd ee ku dhaawacantay difaace dalka Sarkaalad Faa’iso oo ay hooyadeed afka furatay ka sheekaysay sida ay u dayacday Dowladda Madaxweyne Mudane Farmaajo Iyo Khaa’inul Waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre? Maxaadse ka ogtahay sidii loo dhiibay Taliye Qalbi-Dhagax? Maxaadse ka ogtihiin inay beesha caalamka diiday inay wax dhaqaallo ah siiso Dowladda Soomaaliya inta ay weli ka tirsan yihiin dadka ay Hay’adda Qaramadda Midooway u-qaabilsan Soomaaliya Iyo Eritrea ay ku cadeeyeen dembiyadda waa weyn ay dadka, diinta iyo dalkaba ka galeen kuwaasoo xillal kala duwan ka haya Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo shalay Ummadda Soomaaliyeed u sheegay inay Ethiopia cadowga Soomaaliya tahay maantana dhahaya Ethiopia waa walaalaheen! Waxaad isweydiisaan dowlad hal gabar oo askariyad ah wax u qaban waysay oo dhexdeeda intay laaluush kala qaataan madaxda hay’addaha amnigana fasaxaa sida xun ay Al-Shabab u qarxinayso ayadoo la isla- wadashaqaynayo? Illaaahay Ummadda Soomaaliyeed ka badbaadi khaa’inul waddankan inta ay waddanka iyo dadkaba xaraashin! Soomaaliyeed kaca oo iska-qabta siyaasiyiinta khaa’inul waddanka wada ah!
Australia 27ka Oktoobar 2017 Ra’iisulwasaare ku xigeenka ayaa ka tanaasulay dhalashadiisa New Zealand bishii Agoosto wuxuuna sheegay in uu dib isugu soo sharixi doono kursigiisa aqalka hoose. Barnaby Joyce khalad baa loo doortay sida ay maxkamaddu sheegtay
Ra’iisulwasaare ku xigeenka Australia, Barnaby Joyce iyo afar siyaasi oo kale ayaa si khalad ah loo doortay maadaama oo ay haysteen labo dhalasho, sida ay go’aamisay maxkamadda sare.
Go’aanka maxkamadda sare ee Australia ayaa ka dhigan in saddex siyaasi oo uu ku jiro Joyce xilalkii ay hayeen uu khaldanaa. Kuwa kale bishii Luulyo ayay is casileen.
Shaqo ka tagitaanka Joyce ayaa liicliicinaysa dawladda aqlabiyadda halka kursi ah haysatay, waxaase laga yaabaa in uu ku soo laabto doorasho ku celis ah.
Waan ixtiraamayaa go’aanka maxkamadda” ayuu yiri Joyce sidaadii ay maxkamaddu go’aanka u gaartayba.
Jinsiyadda labada dal ah ayaa haraysay siyaasadda Australia tan iyo bishii July, taas oo horseeday in xildhibaanno badan ay fagaareyaasha ka sheegaan jinsiyadooda.
Garoowe 27ka Oktoobar 2017 Xiritaanka shirkan loogaga hadlayay Horumarinta kalluumaysiga Soomaaliya waxaa ka soo qayb galay Madaxwayanah Puntland ,wasiir ku xigeenka kalluumeysiga iyo khayraadka badda Somaaliya,wasiirada kalluumaysiga ee Maamulada dalka ,is kaashatooyinka kalluumaysatada Soomaaliyeed ,Hay’adaha caalamiga ah ee taageera harumarinta kalluumaysiga Soomaaliya iyo marti sharaf kale iyadoona gaba gabadii shirkan socday saddexda bari laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban lix Qodob.
Wasiirka kalluumeysiga iyo khayraadka badda Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi oo ka hadlayay gabagabadii shirkaani wuxuun farxad ka Muujiyay natiijada shirkan kalluumaysiga Soomaaliya siina raaciyay in uu ahaa Mid si dhab ah u taabtay
Wasiirka ayaa intaa raaciyay in uu ahaa shir dadka Soomaaliya oo dhan taabtay oo ay dadka soomaaliyeed aay maanta dhibatada baddeena ka taagan ay xog buuxada ka hayaan laguna gaaray war murtiyeed dadkii qaybaha kal duwan ee Soomaaliya matalyay ay si wada jira uga soo saareen loona guntaday sidii xaalada badda Soomaaliya wax looga qaban lahaa
C/laahi Cumar Abshirow wasiir ku xigeenka kalluumaysiga iyo khayraadka badda Soomaaliya waxa uu si cad u sheegay in shirkaan ay ka soo baxeen waxyaabno muujinaya in si dhab ah looga faa’ideysto kheyraadka dhex ceegaaga Baddeena Soomaaliya.
C/laahi Cumar Abshirow ayaa cadeeyay in kan Wasaarad ahaan ka go’an tahay iyagoo kaashanaya maamul Goboleedyada dallka in la sameeyo siyaasada iyo sharciga Kaluumeysiga dalka,islamarkaana la hormariyo niyad ahaan dadka kaluumeysatada ah.
Gabagabadii,waxaa shirka soo xiray madaxweynaha maamulka Puntland Mudane C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa soo xiray shirka,isagoo nasiib daro Qaran ku tilmaamay kaluumeysiga sharcidarada ah ee ka socda Baddena Soomaaliya oo aanay jirin cid wax ka qabaneysa.
Muqdisho 27ka Oktoobar 2017 Iyadoo maalmihii dambe ay Soo baxayeen warar Sheegaya in Shaqaalaha u shaqeeya Dowlada Soomaaliya aysan Mushaar qaadan dhowr bilood ah ayaa Arintan waxaa si kulul ugu hadlay C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa uuna sheegay in Dowladda Soomaaliya ay xil gaar ah iska saartay siddii loo joogteyn lahaa Mushaarka shaqaallaha dowladda, ayna dhammaan shaqaalaha helaan xaquuqdooda dhammaadka bil walba,inkastoo weli walaac uu jiro.
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in ay dhammaatay in la musumaasuqo Mushaar shaqaale loogu talo galay,isagoona Tilmaamay in Wax cabashon ah haatan uusan soo gaarin Wasaarada maaliyada oo ku aadan in qof shaqaale ah oo ka cabanaya mushaarkiisa oo aan la siinin.
Wasiir beyle ayaa waxaa uu Shacabka ugu baaqay in ay bixiyaan Canshuurta, si hormar loogu gaaro daqliga soo gala Dowlada Soomaaliya iyo midka ka baxa.
Wasaarada maaliyada Soomaaliya ayaa marar badan ku cel-celisay in bilkasta la siiyo mushaarkooda oo ay xaqa u leeyihiin Shaqaalaha u shaqeeya Dowlada Soomaaliya.
Jubbaland 27ka Oktoobar 2017 magaalada Kismaayo ee gobalka Jubbada hoose waxey sheegayaan in tiro madaafiic ah lagu Tuuray saldhig Ciidamada maamulka Jubaland ay ku lahayeen duleedka Magaaladaasi.
Dadka deegaanka waxey warbaahinta u xaqiijiyeen in Madaafiicdaas in ay jirto balse aysan kala cadeyn Karin halka lala bar tilmaameedsaday iyo cida ka danbeysay Madaafiicdaas.
War Saxaafadeed kasoo baxay Xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegay in ay ka danbeeyeen Madaafiicdaas Guutada Madaafiicda Al-shabaab waxey sheegeen iney Tiro madaafiic ah ku garaaceen saldhig Ciidamada Maamulka Jubaland ay ka sameysteen deegaanka Buulo Gaduud oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Kismaayo.
Wali wax war ah kama soo bixin Maamulka Magaalada kismaayo ee ku aadan Madafiicdaan la sheegay in lagu garaacay Saldhig Ciidamada Maamulka Jubaland ay ka sameysteen deegaanka Buulo Gaduud.
Weerarkan Madaafiicda ayaa kusoo aadaya Xili Maalin-nimadii Shalay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe uu booqday Xerada Ciidamada Darawiishta Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Buulo-Guduud oo qiyaastii 30km dhinaca waqooyi ka xigta Magaalada Kismaayo.
Qarmadda Midooway 27ka Oktoobar 2017 Warbixin cusub oo ay gacan ka gaysatay Qaramada Midoobe ayaa muujinaysa in xukuumada Bisharal Asad ay ka dambeysay weerarkii Kimikada ee ka dhacay Suuriya .
Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobe ayaa lagu sheegay in dowlada Suuriya ay ka dambeysay weerarkii Kimikada ee lagu qaaday magaalada Khan Sheikhoun horraantii sanadkan .
Weerarka ayaa waxa ku dhintay ku dhawaad 90 qof.
Baarayaasha ayaa sheegay in Suntan waxyeelaysa neerfaha ee loo yaqaano Sarin,laga soo riday diyaarad.
Dowladda Suuriya ayaa horey u beenisay masuuliyada weerarkaasi.
Weerarkan kimikada oo dhacay bishii April ayaa sababay in Mareykanka ay weerar gantaalada kuruuska ku qaadaan saldhig ay leeyihiin ciidamada Suuriya.
Horaantii todobaadkan ayaa dowladda Rushka waxa ay codka diidmada qayaxan ku hor istaagtay qorsha ay wadeen golaha ammaanka ee Qaramada Midoobee kaasi oo lagu doonayay in baaritaano dheeraad ah lagu sameeyo weerarkaasi kimikada ah ee ka dhacay Suuriya.
Danjiraha Qaramada midoobe u fadhida mareykanka Nikki Haley ayaa sheegtay in warbixintan ay xaqiijisay run ay horey u sii ogaayeen.
Burundi 27ka Oktoobar 2017 Burundi ayaa noqtay dalkii ugu horreeyay ee ka baxa maxkamadda qaadda dembiyada caalamiga ah ee ICC.
Dowladda dalkaasi ayaa QM ogeysiisay sanad ka hor, balse ka bixitaankeeda ayaa lagu wadaa in uu maanta taabagal noqdo.
Ka bixitaanka Burundi ee xubinimada maxkamada ICC ayaa ku soo beegmaysa xilli la sheegay in ay dalkaasi ka dhaceen tacaddiyo.
Waxaa jiray cabashooyin iyo warar sheegaya in markii uu maamulka talada haya uu xilka qabtay ay dhinteen boqollaal qof, halka kumannaan kalena ay dalka ka qaxeen.
Maxkamadda caalamiga ah ee ICC ayaa horraan bilowday ka baaraan degidda haddii maxkamaddu ay baaritaan ku sameyneyso qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhashay markii uu madaxweyne Pierre Nkurunziza uu la wareegay talada dalkaasi – xilli dastuurka dalkaasi uu dhigayo in labo mar keliya uu xilka qaban karo.
Maxkamadda ayaa weli qaadi karta kiisaska tacaddiyada ka dhacay Burundi muddadii uu dalkaasi xubinta ka ahaa maxkamadda.
Balse ka bixitaanka Brundi ayaa ka dhigan in maxkamaddu aysan qaadi Karin haddii ay dembiyo mustaqbalka dalkaasi ka dhacaan.
Tan ayaa tusaale u noqon karta hoggaamiyeyaasha kale in ay u arkaan ka bixitaanka ICC ay tahay hab looga baxsan karo dembiyada ka dhacay dalalkooda.
Muqdisho 27ka Oktoobar 2017 Sida uu qorshaha yahay Magaalada Muqdisho maanta oo Jimco ah waxaa ku soo wajahan Madaxda Maamul Goboleedyada, kuwaasi oo 28-ka bishan ka qeyb galaya shirka Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada oo Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) uu ku casuumay.
Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa maanta la filayaa in ka soo duulaan magaalooyinkooda, iyaga oo ku soo jeeda magaalada Muqdisho.
Shirkan ayaa waxa looga hadli doonaa xoojinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed waxyaabaha ay kala tabanayaan Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada iyo sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorashooyin hal-cod iyo hal-qof ah.
Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maalin ka hor sheegay dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada in ay ka qeyb gali doonaan shirka casuumaada ah, maadaama isaga uu yahay Guddoomiyaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada.
Madaxweynaha Galmudug ayaa shaki la gelinayaa ka qeyb galkiisa shirka Muqdisho, kadib markii Galmudug ay sheegtay in ay cabasho xoogan ka qabto rag ay ku sheegtay qaswadayaal oo ku soo qulqulaya Magaalada Cadaado, kana wada olole ka dhan ah maamulka uu hoggaamiyo (Xaaf).
Xaaf ayaa u muuqda in hal lug ay u taalo Muqdisho, halka lugta kalena uu kula jiro Cadaado, maadaama ay heysato laba daran midood dooro, oo kala ah in marka Muqdisho uu yimaado uusan fileyn in soo dhaweyn uu kala kulmo Dowladda iyo in marka uu Cadaado ka soo tago uu ka cabsi qabo in Doorasho la qabto sidaasina meesha looga saaro.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa wada qaban qaabada ku aadan shirka ka furmaya magaalada Muqdisho, kaasi oo si weyn looga dareemayo Muqdisho diyaar garowgiisa.

WARARKA MAANTA 26ka Oktoobar 2017 Sir Culus Yaa runta qarin kara? Beesha Caalamka wax lacag ah ma siin doonto Dowladda Soomaaliya maxaa yeelay? Akhriso runta ragga kama nixiso!

Su’aalaha Maanta: Maxay tahay sababta uu Khaa’inul Waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre u tagay dalka Turkiga meeshaasoo uu rabo inuu lacag yar oo Dowladda Turkiga siin jirtay Dowladda Soomaaliya uu si xeelladaysan ugu shubto Akoonto shaqsiyadeed? Maxayse beesha caalamka u diiday inay muddo 8 bil ah ay wax dhaqaallo ah siiso Dowladda guuldarraysatay ee uu soo dhisay Khaa’inul Waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre oo si fiican u soo xushay rag badan oo ku caan baxay musuqmaasuq iyo taakulaynta argagixisadda Al-Shabab kuwaasoo ay xitaa waxbixin xaasaasi ka qortay Hay’adda Qaramadda Midooway U-qaabilsan la socoshada dhaqdhaqaaqa dalka Soomaaliya Iyo Eritrea taariikhdu marka ahayd Luulyo 13, 2013kii ilaa iyo hadda? Mase waxuu umalaynayaa Khaa’inul Waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre inuu Ummadda Soomaaliyeed ka qarin karo heshiiskii qarsoodiga ahaa ee uu la galay Shirkadda Soma Oil and Gas taasoo $ 2 milyan oo magac-uyaal ah saami ugu magacaabay Mr. Xassan Cali Kheyre oo shirkaddaas u soo qabtay jaggadda agaasimaha Shirkadda Soma Oil and Gas si uu ugu fududeeyo sidii ay Shirkadda Soma Oil and Gas u dhici lahayd kheyraadka dalkeenna? Maxay ku kala duwan yihiin khaa’inul waddan kala ah Khaa’inul Waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre Iyo Khaa;inul Waddan Xildhibaan Aqalka Sare Mudane Cumar Abdirashiid Cali iyo Wasiirkiisii Qorshaynta Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo labadaba si sharci-darro ah dhul baddeed Soomaaliyeed si khaldan oo bareer ah ugu saxiixay dalka Kenya kuwaasoo wada muddan in la maxkammadeeyo oo sharciga la waafaq-siiyo? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha Soo socda? Ma taqaanaa shaqsiga noqon doona Raysal Wasaaraha soo socda? Mise mar haddii uusan jirin wax dhaqaallo ah oo la siin doono Dowladda Soomaaliya inta uu weli Khaa’inul Waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre yahay Raysal Wasaare!

http://www.somaoilandgas.com/shareholders/

Maraykaka 26ka Oktoobar 2017 Dowlada Mareykanka ayaa ku guubaabisay dhamaan shacabka reer Kenya in ay isdajiyaan oo ay diidaan qalalaaso isla markaana u hoggaansamaan mabaadi,da dastuurkooda, xilli maanta loo dareerayo doorashada madaxtinimada ee dalkaasi.

Bayaan kasoo baaxay waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu aad uga walwalsanyahay dadaalada sii soconaya ee ay labada xisbi ee dalkaasi ku faragelinayaan howlaha madaxa bannaan ee guddiga doorashooyinka, hey’adaha garsoorka iyo laamaha kale ee muhiimka ah.

Mareykanka ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarki lagu khaarijiyay nin ilaalo u ahaa ku xigeenka madaxa caddaalada Kenya.

Warka kasoo baxay waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa loogu baaqay dhinacyada siyaasadda Kenya in ay si dhaqso ah u furan wadahadalo hufan si loo soo dhameeyo is afgaran waaga siyaasadeed.

Kenya ayaa waxaa maanta ka dhaceysa doorasho madaxtinimo oo ku celis ah. Mucaaradka ayaa qaadacay, halka madaxweyne Kenyatta uu sheegay in doorashadu ay u dhici doonto sidi loogu talagalay.

Dowlad Gobaleedka Galmudug 26ka Oktoobar 2017 Wasiirka Warfaafinta dowlad Goboleedka Galmudug oo Saxaafada kula hadlayay Xarunta KMG, ka ah Maamulka Galmudug ee Magaalada Cadaado ayaa hadalkaan sheegay.

Maxamuud Aadan Mesagawaay, ayaa sheegay tan iyo markii uu fashilmay inqilaabkii lagu ridi lahaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf in ay jiraan xubno qaswadayaal ah oo ku gambanaya Magaca Xukuumadda xili Muqdisho looga yeeray si ay uga qeyb galaan shirka Madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka.

Waxa uu sheegay in Cadaado ay ku soo qul qulayaan Xildhibaano iyo dad adegsanaya lacago farabadan kuwaas oo qas ka wada deegaanada Maamulka Galmudug sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn waxa uu ugu abaqay Madaxda dalka sida Madaxweynha iyo Ra’iisul Wasaaraha iyo sidoo kale Qaramada Midoobay in laga qaado culeyska heesta si ay uga qeyb galaan shirka8 Bishaan ka furmaya Muqdisho oo uu horay u iclaamiyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Turkiga 26ka Oktoobar 2017 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga, halkaasi oo ay si diiran ugu soo dhaweeyeen Madaxda dowladda Turkiga iyo mas’uuliyiin ka socotay Safaaradda Soomaaliya ee Ankara.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay Ankara, waxaana uu tilmaamay in madaxda Turkiga uu kala hadli doono xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii dowladda Soomaaliya looga taageeri lahaa la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab.

“Waxaan uga mahad celinayaa Dawladda Turkiga iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Turkiga sidii diirranayd ee ay iigu soo dhaweeyeen magaalada Ankara, maalmaha aan joogo Dalkani Turkiga waxaan kala hadli doonaa Madaxda ugu sarreysa dalka sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dawladood, isla markaana Dawladda Turkigu uga qeyb qaadan lahayd horumarka Soomaaliya ka socda iyo la dagaallanka argagixisada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa qeyb ka ah Wasiirka Amniga gudaha Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo xubno kale.

Kenya 26ka Oktoobar 2017 Shacabka dalka Kenya ayaa saakay 06:00 aroornimo u dareeray Doorasho, iyaga oo dooran doona Madaxweyne, xilli laga cabsi qabo in ay dhacaan rabshado, geysta khasaare fara badan.

Maxkamadda Sare ee dalka Kenya ayaa ku guul dareysatay in ay wax ka qabato dacwad ay u soo gudbiyeen xisbiga Mucaaradka, taasi oo keentay in Raila Odinga uu isaga baxo Tartanka Doorashada Madaxweynaha.

Musharaxiinta maanta Doorashada ka qeyb galeysa ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha hada talada haya ee lagu magacaabo Uhuru Kenyatta.

Hogaamiyaha mucaaradka Kenya, Raila Odinga ayaa taageerayaashiisa ka dalbaday inaysan ka qeyb qaadanin doorashada madaxweyne ee ku celiska ah.

Goobo badan oo codadka laga dhiibto ayaa saakay xiran oo aanan shaqeyneyn, kuwaasi oo ku yaalla goobaha ugu badan ee ay degan yihiin Taageerayaasha xisbiga Mucaaradka.

Ammaanka Kenya ayaa si weyn loo adkeeyay, Tobanaan kun oo ciidamada ammaanka ayaa la geeyay meelo badan oo dalka ah si ay u ilaaliyaan codbixiyayaasha iyo goobaha laga codeynayo.

Dowlada Mareykanka ayaa ku guubaabisay dhamaan shacabka reer Kenya in ay isdajiyaan oo ay diidaan qalalaaso isla markaana u hoggaansamaan mabaadi,da dastuurkooda, xilli maanta loo dareerayo doorashada madaxtinimada ee dalkaasi.

Muqdisho 26ka Oktoobar 2017 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Janaraal Maxamed Abshir Muuse oo caawa ku geeriyooday dalka Mareykanka.

“Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan qaranka, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay, Alle ha u naxariistee, Janaraal Maxamed Abshir Muuse.”

“Janaraalku waxa uu ahaa shakhsi karti, dhawrsanaan, daacadnimo iyo dal jacayl ku sifoobay. Waxaa lagu xasuustaa kaalintii uu ka geystay dhismaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo muddo 10 sano ku dhaw uu hoggaaminayay. Waxaan Alle (S.W.T) uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, ehelkii iyo qoyskii uu ka baxayna sabar iyo iimaan haka siiyo. Aamiin”

Turkiga 26ka Oktoobar 2017 Danjiraha Safaarada Soomaliya dalka Turkiga Safiir Jaamac ceydiid oo caawa dhaqan aan looga baran diplomasiyada kula kacay Sarkaal ka tirsan Safaarda Soomaliya Dalka turkiga, soo dhawayntii Reosul Wasaaraha dowlada Federalka Soomaliya ayaa waxaa si qaawan dhaqan xumo lagula kacay saraakil ka soo jeeda beel ahaan beesha Hawiye ku wasoo kala ah Yusuf Axmed Xasan oo ah Uqaybsanaha Arimaha Ganacsiga Safaaarada Soonmaliya dalka Turkiga iyo Hanad cali Kulane oo ah YmTechnikal IT ku wasoo Airporka looga dalbaday Askar Turkiga loona diiday in ay reisul Wasaarihii umada Soomaliyeed in ay ku soo dhaweeyaan Airport Ankara, waxaa sidop kale loo ogaaladay in dhamaan beel ahaan saraakishii kasoo jeeday beelaha darood in ay VIP ku soo dhaweyaan reisul wasaare Xasan Cali Khayre saraakiisha ay isku beesha yihiin Safiir Jaamac Ceyiid ayaa waxaa kala ahayeen.

Qunsulka Safaarada
Xoghayaha 1aad Safaarada
Uqaybsanaha arimaha wax barashada

Safaarada soomaliya dalka Turkiga ayaa waayahan ka taagantahay dagaal aad u ba.an ee lagu haayo saraakisha ka soo jeeda beelaha Hawiye, waxaa wax aad looga xumaada ah in saraakiil safaraada ka tirsan fal anan horay looga baran safiiarada in ay ka bilaawatay safaarada Soomaliya dalka Turkiga,
Safiir Jaamac ceydiid ayaa waxaa is bidayaa in awood gaar ah oo ka helaayo agaasime kuxigeenka Madaxtooyada Soomaliya Abdirisaaq shoole waxaa sidoo kale la yaab ku noqotay dhamaan dadkii ka soo qayb galay soo dhawaynta Reisul wasaaraha in ay aad loola yaabay waxa uu ku kacay safiir Jaamac ceydiid waxaa uuna aminsanahay in ay tahay safaarada goob uu isga leeyahay oo waxa uu doono ka sameeyo, waxaana laga yaaabaya in dhaqan xumada uu ku kacay safiir jaamac ceydiid in Sumacada shacabka Soomaliyeed ay wax u dhinto madaama uu wado safiirka qabiileysi iyo beel naceeb gaar u ah safiir jaamac ayna ku wehliyeen dadka beel ahaan ay isku dhawyihiin dhwaan waxaan idin la wadaagi doonaa cadrymaha waxa xalay meesha ka dhacay ee fool xuma u ah dowlada iyo shacabka soomaliyeed

Muqdisho 26ka Oktoobar 2017 Sidaa  la socoto  madaxweynah.  Waxii lee yahay  Agaasimo  kaa oo lagu magacaabo Fahad Yasiin kaa sida muuqata. Ah shaqsiga    ah magaca madaxweynaha kor u qaado hoosna u dhigi karo Hadaba  Fahad Yasiin ma yahay. Shaqsi wanaajiyo  magaca. Iyo Sumacada  madaxweynaha waa. Maya sababtoo ah waxa uu mar waliba  sameyaa wax  hoos u  dhigi karo  sumacada  madaxweynaha waxeyana taa keentay dad  badan oo shaqo  la siiyey  in uu warqadahiisa hoos iska dhigoo   dadka ku war galiyo. In wali diyaar aheyn isagoona howshaas qaban karo wax ka yar Laba daqiiqo

Mid ka mid ah  shaqsiyaad madaxweynaha shaqo siiyey  oo nala soo xariiray. Ayaa noosheegay in dhowr bil warqad shaqo ah oo madaxweynaha siiyey hoosta iska. Gashtay  Fahd Yasiin isagoona dhowr bil iskadaba wareejiyey walina howlin  shaqadii marka waxaa ia weydiin mudan.madaxweynaha ma  isla og yihiin lugeeyada mise waxba kama.ogo waa  tan isweydiinta mudan waayo qof magaca  ismucada uga ciyaarayo uu hadana wax ka qabaneynin waa mid u baahan in leys weydiiyo

Hadaan u  soi jeesano xafiiska Ra iisal  wasaaraha  waxaa joogo  Agaasimaha Xafiiska Ra iisal wasaaraha  waxaana joogo shaqsi lagu magacaabo Keynaan kaa xafiiska keenay  Ra iisal wasaariii hore Cumar Cabdirashiid isagoona ku heeb ah

Ra iisal’ wasaaraha oo dad badan  ay amaaneen shaqadiisa ayaan hadana  dadka Masuuliyiinta ku  qanacsaneen  dhalinyarada ku wareegsan xeendaabka. Ku ah xafiiska Ra iisal wasaaraha kana shaqeeyo ai sumacada looga ridi lahaa. Madaama uu heysto  taageero badan oo shacab ah  waxaana la dhihi karaa Kheyre isagaa karti leh.mooyeeh xafiiskiis ma joogaan  shaqsiyaad ku wanaagsan shaqada xafiiska  intaa la eg waxeyna mar wa’iba ku shaqeeyaan cadaalo daro oo keentay in la dhibasado soo aadida Xafiiska Ra iiaal wasaaraha  ha ahaado Xildhiban.ama masuuliyiin ka’e

Waxaase ugu daran.markaad xafiiska timaadid dan ka leedahay in leyskaa daba mariyo iyadoona la gudbinaayo shaqsiyaad aad ka soo horeysay wana dhaliila keenay in qof xafiiska ku gaaro maqribkii isagoon la kulmin Ra iisal wasaaraha waana dhaliil.muuqato oo u baahan in wax laga qabto deg  deg si sumcada  Ra iisal wasaaraha oo sareysa. Dadka looga hor keenin

Shaqsi  8 bil ka hor xafiiska  Ra iisal wasaaraha geestay codsi shaqo  laguna amray Agaasimaha Xafiiska Ra iisal wasaaraha Keynaan  in qof shaqadiisa  deg deg uguu fudeey ayaa markii loo tagay ku yiri  walaaloow lu gooyaa leygu kaa soo dir waxba kuma haayo  taa oo la dhihi karo waa  mid aumcada looga dilaayo Ra iisal wasaaraha Xasan Cali Kheyre haduuna si deg deg wax uga qabana arinkaa asumacada uu leeyahay raisalwasaraha  hoos  u dhigeya

Su aash  ayaa ah labada Agaasime  madxweynaha iyo R a iisal wasaaraha shaqsiiyaadka ay u soo direen.ma.kuwa la.lugeynayaa.mise waa kuwa lugyaa waa jawaab u taalo madaxda qaranka

WARARKA MAANTA 25ka Oktoobar 2017 Sir Culus

Su’aalaha Maanta: Maxaa ka taqaanaa dadka ugu caansan uguna taajirsan Siyaasiyiinta Soomaalida Maanta nool? Maxaad ka ogtihiin sababta ay labada Guddoomiyayaasha Aqalka Hoose Mudane Prof. Maxamed Shiikh Cismaan Iyo Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi u tageen Dowladda Puntland meeshaasoo uu Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Dr. Cabdi Cali Gaas iyo Shacabka Puntland ku soo dhaweeyeen si diiran? Ogtahay inay beesha caalamka diiday inay lacag siiso Dowladda Soomaaliye ee uu hoggaamiyey Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre sababo la xiriira musuqmaasuq baahsan iyo khaladaad waa weyn oo uu horay u soo sameeyey.

Maxaad ka taqaanaa madaxda mustaqbalka Soomaaliya? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha soo socda mar haddii ay beesha caalamka diiday inay wax dhaqaallo iyo la shaqayn la wadaagaan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre oo xaqiiqsaday runta muddadii uu xilka raysal wasaarenimo hayey.

Soomaaliya 25ka Oktoobar 2017 Ma ogtahay inuu Denjire Mudane Dr. Badal W. Kaariye (Warfaa) yahay shaqsiga Soomaalida ugu caansan, taajirsan uguna aqoonta badan Soomaalida maanta joogta adduunka inta aan hubinay kaasoo qof aad iyo aad u naxariis badan oo si fiican u jecel in laga shaqeeyo horumar iyo siyaasadda dalka si iska wax ugu qabo dadka, diinta iyo dalkaba?

Ma ogtahiin inuu Denjire Mudane Dr. Badal W. Kaariye (Warfaa) kamid ahaa fikirkii lagu dhisay Dowladda Puntland State Agoosto 1998kii iyo Dowladdii Ku-Meel-Gaarka ee lagu soo dhisay dalka Djibout 2000?

Ma ogtihiin inuu Denjire Mudane Dr. Badal W. Kaariye (Warfaa) leeyahay warbaahinta dalka ugu badan iyo shirkaddaha ugu waa weyn ee kala duwan taasoo si rasmi ah uga diwaangashan caalamka?

Ma ogtihiin Denjire Mudane Dr. Badal W. Kaariye (Warfaa) laba jeer diiday inuu Raysal Wasaare ka noqdo dalka Soomaaliya sababo la xiriira inuusan jecleyn shisheeye wax u yeerinaaya oo raba si dadban iyo si toos ah inay u xadaan kheyraad dalka ee Illaahay ku mannaystay?

Maxaad ka taqaana heerka iyo ilbaxnimadda ay gaareen Shacabka reer Puntland guddaha dalka iyo dibadda?

Soomaali waa in istaqaane bal car keena shaqsi u dhigma ama la tartama Denjire Mudane Dr. Badal W. Kaariye (Warfaa) oo ah qoraa sare oo in ka badan 104 qoray isla-markaasna mar soo noqday Musharax isku taaga Jaggadda Madaxweynaha Soomaaliya inkastoo markii dembe iska daayey asagoo isu soo taagay inuu u tartamo jaggadda Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midooway asagoo noqday musharaxii ugu horeeyey oo magaca asagoo Muslim Maraykan ah ku tartamaya kaasoo dowladda farabadana ay si hoose iyo toos ahba ugu caawiyeen musharaxnimaddiisa.

Waxaanu Ummadda Soomaaliyeed ka baryeynaa inay madaxtinimadda u dhiibtaan dadka daacad u ah inay Ummadda Soomaaliyeed ugu shaqeeyaan si hufan oo waadix ah sida Denjire Mudane Dr. Badal W. Kaariye (Warfaa) ugu soo shaqaynaayey Ummadda Soomaaliyeed tan iyo markii uu soo galay siyaasadda ilaa iyo hadda,

Guullayso Wiil Soomaaliyeed!

Wixii faahfaahin ah iyo taariikh nololeedkiisa fadlan waad booqan kartaa boggiisa internetka http://www.badalkariye.com/

Garoowe 25ka Oktoobar 2017 Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Dr. Cabdiweli Cali Gaas ayaa maanta dib ugu laabtay Garoowe, kuna soo dhoweeyey Guddoomiyayaasha Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Dawladda Fadaraalka Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Weftigiisa oo Jowhar kaga qayb galay xafladdii caleema saarka ee Madaxweynaha Hir-shebelle ayaa markii ay soo gadheen Garoowe waxaa kusoo dhoweeyey Guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda, saraakiisha ciidamada Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, nabadoono, waxgarad, siyaasiyiin, iyo boqolaal shacabka magaalada
Garoowe.

Madaxweynaha Puntland oo hadal kusiiyey warbaahinta qasriga Madaxtooyada Garoowe ayaa sheegay in ay shacabka reer Puntland iyo dawladdooduba ku faraxsan yihiin imaanshaha Puntland Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo masuuliyiinta kale ee wehelinayseyba, waxaana uu Madaxweynuhu xusay in ay berito oo ay taariikhdu tahay 25 October2017 ka qayb gelioonaan kal fadhiga 40-aad ee Golaha wakiilada Puntland.

“Sharaf weyn bay nootahay inay Puntland yimaadaan Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo masuuliyiinta kale ee wehelinayseyba ay beritona ka qayb galaan furitaanka kal fadhiga 40-aad ee golaha wakiillada dawladda Puntland, runtii waa markii ugu horeysey oo ay Puntland yimaadaan ka qayb galaan kal-fadhiga Baarlamaanka Puntland” ayuu yiri Madaxweynuhu.

“Waxay taasi ka turjumaysaa horumarinta fadaraaliisamka Soomaaliya ay qaadatay in Baarlamaanada dalku ay yeeshaan xidhiidh gaara, inay isasoo booqdaa, inay isu yimaadaan, inay wada shaqeeyaan, ka wada shaqeeyaan horumarinta iyo samaynta shuruucda dalka ay wax iskaga og yihiin waxa lawada leeyahay oo Soomaali kawada dhexeeya inay noqoto ayaan rabnaa oo lawada shaqeeyo, kusoo dhowaada dalkiinii meel kale maydaan tegine Soomaaliya meel kamida oo laydin ka jecel yahay ayaad timaadeen ” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Ahna guddoomiyaha Golaha Iskaashiga dawladdaha Xubnaha ka ah DFS ayaa shaaciyey isagoo ku hadlaya afka golaha in ay aqbaleen gogosha wadatashi ee uu fidiyey Madaxweynaha dawladda Fadaraalka Soomaaliya Mudane. Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

” Madaxweynaha dawladda Fadaraalka Soomaliya ayaa noosoo diray casuumad 28-ka bisha October 2017 inaanu isugu nimaadno xamar, waxaan rabaa inaan sheego anigoo ku hadlaya magaca dawladdaha xubnaha ka ah Dawladda Fadaraalka Soomaaliya inaan aqbalay casumaaddaas kana qayb gelayno shirkaa isaga ah” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Guddoomiya Golaha Wakiillada Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi ayaa dhankiisa Puntland kusoo dhoweeyey masuuliyiinta labada aqal ee Baarlamaanka DFS, isgoona sidoo kale Guddoomiyuhu u xaqiijiyey Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas in dalku amni yahay, uuna ku faraxsan yahay in uu Madaxweynuhu soo laabtay dalkoo nabada iyo isagoo nabad ah.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, ahna kusimaha Madaxweynaha dawladda Fadaraalka Soomaaliya Mudane. Maxamed Cismaan Jawaari iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabullaahi ayaa dhankooda ka mahad naqay soo dhoweynta balaadhan ee ay ku qaabileen shacabka magaalada Garoowe iyo masuuliyiinta dawladduba, waxaana ay tilmaameen in Puntland ku talaabsatay horumar lixaadle, Soomaaliya oo dhanna ay u tahay hormuud iyo tusaale dhaba, isla markaana waxa ay si wada jira ugu baqeen in la ilaaliyo midnimada Soomaaliya.

Afgooye 25ka Oktoobar 2017 Duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan inta u dhaxeysa Carbiska iyo 5-ta Golaha Sare ayaa waxa ay sheegayaan in saakay halkaasi uu ka dhacay Weerar waqti kooban socday.

Weerarkan ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii Ciidanka AMISOM oo halkaasi howlo roondo ah ka waday, Weerar ku bilowday Qoryaha garbaha laga tuuro gaar ahaan Qoriga 7-ka ay ku soo qaadeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Ciidanka AMISOM ayaa iska cabiyay raggii weerarka soo qaaday, waxaana halkaasi ku dhexmaray Dagaal kooban oo daqiiqado socday, sida uu so sheegayo Wariyaha Risaala ee degmada Afgooye.

Ciidanka AMISOM ee weerarka lagu qaaday ayaa Subax walba waxa ay sameeyaan howlo roondo ah, dagaalka kadibna waxay la soo baxeen Gaadiidkooda dagaalka, iyaga oo ku jira feejignaan dheeri ah.

Weerakan ayaa khasaare wuxuu ka soo gaaray dad shacab ah, inta la xaqiijiyay Laba qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacantay, kuwaasi oo dhaawacooda loo soo qaaday isbitaalada magaalada Muqdisho.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay  xaqiijiyeen in weerarkan uu jiro, sidoo kalena hada lagu daba jiro raggii weerarka soo qaaday.

Jabuuti 25ka Oktoobar 2017 Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya oo mudo dhowr maalmood ah dalka ka maqnaa ayaa la filayaa in uu Maanta dib ugu soo laabto Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa booqasho ku tegay Wadamada Uganda, Itoobiya iyo Jabuuti uu hadda ku sugan yahay, kuwaas oo dhamaantood ay Ciidamo ka joogaan Gudaha Soomaaliya isla markaana ku howlgalla Magaca AMISOM.

Maalmihii uu ku sugnaa Wadamadaas ayuu Madaxda dalkaas waxa uu kala hadlay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dagaal ka dhan ah Al-Shabaab oo ay dowladda Soomaaliya qorsheysay.

Madaxweyne Farmaajo oo kulankii ugu dambeeyay la qaatay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in uu ku guuleestay waxyaabihii uu kala hadlay Madaxdii uu la kulmay ee la dagaalanka Al-Shabaab.

Iiraan 25ka Oktoobar 2017 Maxkamad ku taalla Iiraan ayaa la rumaysan yahay in ay dil ku xukuntay dhakhtar reer Iiraan ah oo haysta degenaansho Sweden ah, ka dib markii lagu helay in uu basaas u ahaa Israa’iil.

Dacwad ooge reer Iiraan ah ayaa sheegay in lagu helay dambi ah in uu dad u shaqeeya Israa’iil u gudbiyay ciwaannada 30 ruux oo ah khuburo nukliyeerka iyo arrimaha milatariga ku takhasusay, kuwaas oo labo ka mid ahaa lagu dilay weerar bambaano oo dhacay 2010kii.

Ma uusan shaacinin magaca qofka la dilay.

Axmadreza Djalali oo caafimaadka xaaladaha degdegga ah qaabilsan ayaase xukun noocaas oo kale ah lagu riday sida ay xaaskiisu sheegtay.

Hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International ayaa sheegtay in xukunkaasi uu yimid ka dib markii “jir dil, cadaymo been ah iyo xukun aan cadaalad ahayn lagu fuliyay”.

Wuxuu sheegay in ay ka mid ahaayeen Massoud Ali-Mohammadi iyo Majid Shahriari kuwaas oo ku dhintay qaraxyo caaasimadda Tehran ka dhacay bishii Janaayo iyo bishii Nofembar ee sannadkii 2010kii.

Dacwad ooguhu wuxuu sheegay in qofka dacwadda lagu soo oogay uu macluumaadkan u ugudbiyay Israa’iil arrintaasna lagaga badashay lacag iyo in degenaansho laga siiyo Sweden.

Sacuudiga 25ka Oktoobar 2017 Dhaxal sugaha Sacudi Carabiya, Maxamed Bin Salmaan. Dhaxal sugaha boqortooyada Sacudi Carabiya ayaa balan qaaday in uu ku shaqeynayo in uu soo celinayo waxa uu ugu yeeray islaamka qunyar socodka ah.

Dhaxal sugaha, Maxamed Bin Salmaan, oo ka jawaabayay su’aal lagu weydiiyey xaflad maalgashi oo ka dhaceysay Riyadh, ayaa sheegay in ay jiraan isbedel la sameeyay sanadihii 1979-kii, balse saraakiishu ay ka takhalusi doonaan mustaqbalka dhaw haraaga xagjirnimada.

Maxamed Bin Salmaan ayaa sidoo kale sheegay in Sacudi Carabiya waqti isaga lumin doonin 30-ka sano ee soo socda waxka khabashada afkaarta wax burburinaya.

Dadka ka faaloodo arrimahan ayaa u arka dhaxal sugaha in uu yahay maskaxda ka dambeysa dhowr isbadel oo dhawaanahan lagu sameeyay dhanka dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Waxaa dhawaan haweenka Sacudi Carabiya laga qaaday xayiraad laga saaray wadida gawaarida.

Dowlad Gobaleedka Puntland 25ka Oktoobar 2017 Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas  ayaa sheegay dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada in ay ka qeyb gali doonaan shirka casuumaada ah ee uu fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed (Farmaajo), kaasi oo 28-ka bishan ka furmaya Muqdisho.

Shirkan ayaa waxaa looga hadli doonaa in Madaxda Federaalka iyo Dowladd goboleedyada marka ay isugu yimaadaan ay ka tashadaan dalka sidii loo xoreyn lahaa iyo wax walbo oo Dowladd Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka kala tabanayaan.

Madaxweyne Gaas ayaa dhanka kale ku baaqay in la xoojiyo Xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, taasi oo meesha ka saareysa khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada.Madaxda maamul Goboleedyada dalka ka jira ayaa sameystay Golaha iskaashiga Maamul Goboleedyada, waxaana Golahaasi oo Todobaadkan soo saaray war-murtiyeed kulul ay Dowladda u jeediyeen eedeyn kulul.

Dowlad Gobaleedka Puntland 25ka Oktoobar 2017 Madaxwaynaha Maamulka Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas  ayaa  ku qalqaalinayo Madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare in uu furo Dekadda Ceel-macaan.

Kulan ka dhacay Madaxtooyadda Hir-shabeelle ayaa waxaa ka qeyb galay C/wali Gaas, Madaxwaynaha Hirshabeelle,Siyaasiyiin kale sida Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur cade) iyo Siyaasi Jabriil Ibraahin Cabdule.

Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweyne  Gaas iyo Siyaasiyiinta kale ay Madaxwayne Waare ku qalqaaliyeen inuu furo Dekadda Ceel-macaan.

Madaxweyne  Gaas ayaa soo jediyay in Shirkadda Imaaradka DPWorld oo gacanta ku haysa Dakedda Magaaladda Boosaaso ee gobolka bari ay dhisto Dekada Ceel-macaan laguna wareejiyo.

Hogaamiyaha Isbahaysiga Maamulada ayaa u xusul duubaya in Maamuladu ka kaaftoomaan Dhaqaale ay ka sugaan Dowladda Dhexe ee Soomaliya oo hakisay lacagihii ay siin jirtay bil kasta Maamul Goboleedyada.

In Dakedda Ceel-macaan ee Hir-shabeelle  Shaqayso waxay hoos u dhigi kartaa isticmaalka Dakedda Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaliya marka loo fiirsho masaafo ahaan.

Maraykanka 25ka Oktoobar 2017 Laba ka mid ah senetarada xisbiga Republican-ka Mareykanka ayaa wax ay si cad madaxweynaha ugu weerareen hadal, waxa ayna ku eedeeyeen madaxweyen Trump inuu burburinayo dimoqaraadiyada dalka iyo sumcada uu ku leeyhaya caalamka.

Jeff Flake – oo ah senetarka Arisona ayaa sheegay inuusan u tartameynin xilkaasi maadaama uusan dooneyn inuu qeyb kasii ahaado waxa uu ugu yeeray dabeecada ku dhisan taxadar la’aanta iyo sharaf xumada ka jirta Aqalka Cad.

Kol sii horreysay, Senetor Bob Corker oo Aqalka Cad ku matala oo sidoo kale iscasilaya ayaa ku tilmaamay madaxweyne Trump inuu yahya hoggaamiye aan run aqoonin.

Afhayeenka Aqalka Cad ayaa sheegtay in labadan senetar aana dib loo soo dooraneyn, madaxweyne Trump-na uu ka cod badnaa labadoodaba.

Mucaaradadan ayaa waxaa suuragala in ay Mr Trump ku adkeyso hirgalinta qorshihiisa sharci dejinta.

Kenya 25ka Oktoobar 2017 Ciidamada Milatariga Kenya ayaa la sheegay in Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay ku dilayn Gobalka Xeebta ee Lamu sida ay maanta daabaceyn Warbaahinta Wadankaasi.

Afayeen u hadlay Ciidamada Kenya oo lagu magacaabo David Obonyo ayaa sheegay in ay weerar ku qaadeyn Saldhig ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Mararani oo ka tirsan Lamu waxaana lagu dilay Ugu yaraan afar ka tirsan Dagaalamayaasha Al-Shabaab oo Saldhigaasi ku sugnaa.

Sidoo kale afayeenka u hadlay Ciidamada Kenya ayaa sheegay in ay soo furteyn hub iyo qalab laga sameeyo Qaraxyada gaar ahaan Qaraxyada Bam baanooyinka ah sidoo kalane ay xaruntaasi ka helayn xog kale oo muhiim u ah Howlgalka Kenya.

Muqdisho 25ka Oktoobar 2017 Thaabit Cabdi Maxamed gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa sheegay in Muqdisho ay ka jirto xaalad ah in mararka qaarkood in dad guryahooda lagu heesto xoog iyada oo awood loo sheeganayo.

Waxa uu soo hadal qaaday in uu aaminsan yahay in Cadaaladu ay qeyb ka qaadato amniga, balse ay jiraan dad adeegsanaya awood qabiil ay heestaan hantida dadka Soomaaliyeed qaarkood.

Hadalka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku soo aadaya xili Muqdisho ay ka jirto isku qabsiga dhulalka oo markasta ay caqabad ka dhalato.

 

WARARKA MAANTA 24ka Oktoobar 2017 Sir Culus Yaa runta qarin kara?

Su’aalaha Maanta: Ma waxaa dowladda Soomaaliya hoggaamin kara khaa’inul waddan Mudane Xassan Cali Kheyre oo heshiiskii khaa’inul waddanimo ee uu la galay Shirkadda Soma Oil & Gas ay si fiican u kashiftay inuusan wax $ 2 milyan oo saami ah uusan ku darsan balse uu ka ogolaaday inuu aqbalo $ 2 milyan oo magac-uyaal ah si uu fududeeyo sidii ay Shirkadda Soma Oil and Gas u hannan lahayd sidii ay kheyraad Illaahau ku mannaystay Ummadda Soomaaliyeed si xeelladaysan ula wareegi lahayd? Illaahay waa caadi markii ay ogaatay muwaadiniin badan oo waddaniyiin ah kuwaasoo isku-taagay sidii ay difaaci lahaayeen kheyraadka dabeeciga ee ay shisheeyaha dhici rabaan ayaa waraaqo farabadan oo dacwad ah ka qoray Shirkadda Soma Oil and Gas taasoo ay u gudbiyeen Qaramadda Midooway Iyo hay’addaha la socda musuqmaasuqa adduunka si baaris iyo wax ka qabasho loogu sameeyo Mr. Xassan Cali Kheyre oo agaasime ka ahaa Shirkadda Soma Oil and Gas iyo dadkii aasaasay shirkadda Soma Oil and Gas oo horayba maxkammado kala duwan loogu dacweeyey si sharciga loola tiigsado. Yaa maanta runta qarin kara? Soomaaliya waxaa soo maray dhowr Raysal Wasaare oo khaa’inul waddan ku sifooway sida Raysal Wasaarihii hore oo haddana ah Senatar ka tirsan Aqalka Sare Cumar Cabdirashiid Cali Iyo Wasiirkiisii Hore ee Qorshaynta Iyo Xiriirka Goballadda Mr. Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo si bareer ah ugu saxiixay dhul baddeed weyn Dowladda Kenya oo rabay inay shidaal iyo kheyraad farabadan kala baxdo dhul baddeed Soomaaliyeed taasoo si fiican ay u diideen Baarlamaankii Ku-Meel-Gaarka Iyo dadka Soomaaliyed gudaha dalka Iyo dibaddaba.

Waxaa cad inaysan beesha caalamka wax dhaqaallo ah siin doonin Dowladda Wada Dadban ee uu hoggaaminayo khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre Iyo Fahad Yaasiin oo warbixino farabadan ay ka qoreen hay’addo badan oo ka faalloodada musuqmaasuqa iyo falalka naxdinta leh ay samaynayso Dowladda Wada Dadban taasoo xitaa ay maamul goballeedyadii dalka oo dhan ay ka soo wada horjeesteen!

http://www.somaoilandgas.com/shareholders/

Jowhar 24ka Oktoobar 2017 Raisulwasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in shirka 28-ka bishaan ka dhacaya Magaaladda Muqdisho  ee u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka Soomaliya iyo Dowladd Goboleedyadda loogu hadli doono xureynta dalka iyo kala tabashooyinka jira.

Raisulwasaare Kheyre ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaliya ay ka go’an tahay in la qanciyo Dowladd Goboleedyadda dalka ka jira, si meesha loogu saaro shakiga ay qabaan qaar kamid ah Maamul Goboleedyadda.

“Madashii uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed farmaajo ee lagu qabanayo Magaaladda Muqdisho 28-ka bishaan waxaa loogu hadli doonaa xureynta dalka iyo kala tabashooyinka jira, Dowladda Federaalka Soomaliya waxaa ka go’an qancinta Dowladd Goboleedyadda dalka ka jira,dalkaan waa dalka kaliyah ee la rabo in aan kuwada noolaano, madaxweynaha iyo aniga waxaa naga go’an in aan la hadalno qof walba si aan u qanciyo”, ayuu yiri Raisulwasaare Kheyre.

Madaxweynaha Soomaliya ayaa ku wargaliyay dhawaan madaxweynayaasha Maamul goboleedyadda in ay yimaadaan magaaladda Muqdisho si ay kaga qeyb galaan shirka u dhaxeeya Madaxda Dowladda Soomaliya iyo Maamul goboleedyadda.

Dowlad Gobaleedka Jubbaland 24ka Oktoobar 2017 Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in musiibadii dhawaan ka dhacday Isgooyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho ay maalin walba soo noq-noqon doonto hadaan la cirib tirin Al-Shabaab.

Madaxweynahu wuxuu xusay in ay jirto hal wado oo maanta u furun hogaanka Soomaaliya isla markana ay tahay in wixii siyaasad ah dib loo dhigo oo loo midoobo sidii Al-Shabaab loola dagaalami lahaa.

Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in hadii Siyaasada lagu kala aragti duwanaado aysan marnaba macquul ahayn in mustaqbalka laga quusto oo meel la iska dhigo dagaalka cadawgu uu umada ku hayo.

Dhamaan Masuuliyiinta Soomaalida ayuu Madaxweynahu ku booriyay in ay iska kaashadaan sidii Al-Shabaab dalka looga saari lahaa oo ay shacabka ku baraarujiyaan khatarta Al-Shabaab ay dalkan la damacsan yihiin.

“ Maalin walba ma dhaafi doono in aan maydka u tacsiyayno dhaawacana aan dawaysano oo aan xaaqno halkii shacabkeena lagu dhameeyay hadaynaan Al-shabaab dagaal dhab ah ku qaadin” ayuu yiri Madaxweynahu.

Bulshada ayuu ku booriyay in ay ogaadan in cadawgu uu iyaga beegsanayo oo aysan rabin Dowlad iyo dadka u shaqeeya oo kaliyah taas badalkeedana looga baahan yahay in shacabku ay Ciidamada garab istaagan.

—DHAMMAAD–

Jowhar 24ka Oktoobar 2017 Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay Arrimaha Soomaaliya Mickeal Keating ayaa ka hadlay arrimaha ammaanka ee dalka iyo xaaladaha adag ee xilligan ka jira Soomaaliya.

Keating ayaa sheegay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay hortaallo amni xumo, loona baahan yahay si xaaladaasi ay uga baxaan garab istaag iyo hiilo, iyo in la kordhiyo dagaalka ay ku jiraan Ciidamada Dowladda.

Wuxuu kaloo sheegay Mickeal Keating in laba qof oo ka mid ah Saddexdii qof ee Soomaali ah in aysan heysan wax ay cunaan, maadaama dalka uu qaabilay Abaaro aad u xanuun badan oo weli ay muuqato saameyntooda.

Mr. Keating ayaa yiri “Laakiin arrinta xauunka badan ee dhabta ah ee na hortaalla ayaa waxa ay tahay in laba qof oo ka mid ah Saddexdii qof ee Soomaaliyeedba aysan maanta heysan wax ay cunaan, dhammaan shacabka Soomaaliyeed waxaa hortaalla amni xumo.

“Beesha Caalamka waxay dooneynaa in ay garab istaago Soomaaliya, in ay maalgelin ku sameyso hormarinta Nabadgelyada, kaabayaasha dhaqaalaha, shaqa abuurka, horusocodka nidaamka Dowladda, Ayuu sidoo kale yiri Keating.

Hadalkan ayuu ka sheegay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Mdoobay Arrimaha Soomaaliya Mickeal Keating xilli uu shalay ka qeyb galayay Munaasabadda Caleema Saarka Madaxweynaha Hirshabeelle, taasi oo ka dhacday Jowhar.

Afgooye 24ka Oktoobar 2017 Argagixisadda Hubeysan Ee Al-shabaab ayaa Xalay Fiidkii Weerar ku qaaday Fariisimo Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose gaar ahaan Dhanka Buunda yare.

Al-shabaab ayaa Dagaalka ay ku soo qaadeen Degmada Afgooye waxaa Barbar socday Bambaanooyin ay ku Garaaceen fariisimaha Ciidamada Dowladda,waxaana sidoo kale halkaas ka dhacay Dagaal Mudo kooban socday oo dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda oo la hadlay Saxafadda ayaa sheegay in Shabaab ay Weerar Gaadmo ah ku soo qaadeen Degmada Afgooye,balse Ciidamada Dowladda ay iska Caabiyeen.

Illaa hadda ma jirto Khasaaraha Dhimasho iyo midka dhaawac ee soo kala gaaray Labada Dhinac inta uu dhan yahay,iyadoo sidoo kale aan la ogeyn Khasaaraha Dadka Shacabka ah ka soo gaaray Dagaalka.

Al-shabaab ayaa Dhowr jeer Weeraro is xig xiga ku qaaday Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose oo Caasimadda Soomaaliya Ee Muqdisho 30-KM dhanka Gelbeed ka xigta.

Addiis Ababa 24ka Oktoobar 2017 Madaxweyne Farmaajo oo maalintiisa 2-aad booqasho ku jooga dalka Ethiopia waxa uu maanta la kulmi doonaa Danjiraha Maraykanka u joogta QM, Nikki Haley oo haatan ku sugan Addis Abeba.

Ilo Diplomaasi ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo Nikki Haley ka wada arrinsan doonaan Xiriirka labada Waddan, Xaalladda Ammaanka Somalia, Khasaarihii Qarixii ka dhacay Isgoyska Zoope, Hawlgalka AMISOM ee La-dagaalanka Alshabaab iyo Doorka ay Milliteriga Maraykanka ka qaataan Hawlgalkaasi.

Kulanka Labada Mas’uul ayaa ahaa mid la sii qorsheeyey, laguna soo beegay Socdaalka ay Nikki Haley ku kala bixin doonto 3 dal oo ku yaalla Qaaradda Afrika, kuwaasi oo kala ah Ethiopia, Koonfurta Suudaan iyo dalka Kongada Dimuqraadiga.

Danjiraha Maraykanka u joogta QM, Nikki Haley oo shalay Shir Jaraa’id ku qabatay magaalladda Addis Abeba waxay walaac xooggaan ka muujisay Xaalladda Amni-xumo ee ka jirta Somalia.

Waxay tusaale u soo qaatay Qarixii bishan October  14-dii ka dhacay  Isgoyska Zoope, oo ay boqolaal qof ku geeriyootay, kuna dhaawacmeen.

Waxay sheegtay inay Dowladda Maraykanka sii wadi doonto Taageeradda ay siiyaan Hawlgalka AMISOM, iyadoo ay 400 Askar Maraykan ah ku sugan yihiin gudaha Somalia, kuwaasi oo Ciiddanka DFS ka taageera Tababarka, Loojistikada iyo maaraynta Hawlgalladda Qorsheysan.

Hadalka Danjiraha Maraykanka u joogta QM, Nikki Haley  waxa uu ku soo beegmay xilli uu Maamulka Madaxweyne Donald Trump shaaciyey inay dhimi doonaan taageeradda ay siiyaan Hawlgalladda Nabad-ilaaliyaaasha Caalamka.

Bishii June ee la soo dhaafay, QM wxaay jartay miisaaniyadda Hawlgalladad Nabad-ilaalinta Caalamka, iyadoo ay 14 ka mid ah Hawlgaladaasi ka socdaan dalal ku yaalla Qaaradda Afrika.

New York 24ka Oktoobar 2017 Danjiraha Maraykanka u joogta QM, Nikki Haley oo shalay Shir Jaraa’id ku qabatay magaalladda Addis Abeba waxay walaac xooggaan ka muujisay Xaalladda Amni-xumo ee ka jirta Somalia.

Waxay tusaale u soo qaatay Qarixii bishan October  14-dii ka dhacay  Isgoyska Zoope, oo ay boqolaal qof ku geeriyootay, kuna dhaawacmeen.

Waxay sheegtay inay Dowladda Maraykanka sii wadi doonto Taageeradda ay siiyaan Hawlgalka AMISOM, iyadoo ay 400 Askar Maraykan ah ku sugan yihiin gudaha Somalia, kuwaasi oo Ciiddanka DFS ka taageera Tababarka, Loojistikada iyo maaraynta Hawlgalladda Qorsheysan.

Hadalka Danjiraha Maraykanka u joogta QM, Nikki Haley  waxa uu ku soo beegmay xilli uu Maamulka Madaxweyne Donald Trump shaaciyey inay dhimi doonaan taageeradda ay siiyaan Hawlgalladda Nabad-ilaaliyaaasha Caalamka.

Bishii June ee la soo dhaafay, QM wxaay jartay miisaaniyadda Hawlgalladad Nabad-ilaalinta Caalamka, iyadoo ay 14 ka mid ah Hawlgaladaasi ka socdaan dalal ku yaalla Qaaradda Afrika.

Jowhar 24ka Oktoobar 2017 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qayb galay xafalada Caleema saarka Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Hirshabeele Maxamed Cabdi Awaare, oo dhawaan ay doorteen Xil-dhibaanada Hirshabeele.

Waxaa ka soo qayb galay Gudoomiyaha Aqalka Sare, Xil-dhibaano, madaxda Maamul Goboleedyada, Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Soomaaliya iyo Xubno ka socday Safiirada wadamada caalamka.

Ra’iiusul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hambalyo u diray shacabka iyo Madaxwaynaha Hirshabeele , waxuuna balan qaaday in uu kala shaqayn doono dib-u-heshiisiinta, Is-cafiska, Kalsooni abuurista iyo dib-udhiska dhamaan shacabka ku dhaqan Hirshabeele iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.

“Munaasabadani waxay ku soo aaday iyadoo dalkeenu uu ku jiro tacsi tiiraanyo leh, dhacdadii 14-kii bishan waxay noo sheegaysaa in ay ahayd tusaale aan ka baranayno dhibkii na soo maray, waxayna isku soo dhawaynaysa quluubteena, sidoo kalena hadii uu jiray waxyar oo khilaaf ah waan in aan ilownaa ” Ayuu yiri R/W Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa cadeeyay in madaxda dawladda dhaxe ee Soomaaliya ay diyaar u yihiin in mar walba ay Maamul Goboleedyada dalka kala shaqeynayaan soo dhisada hay’adaha dawladda, sugida amniga iyo horumarinta deegaaanadooda, si nidaamka federaaliga ah hoos loogu daadajiyo.

R/W Khayre ayaa sidoo kale tilmaamay in nidaamka federaalisimka uu yahay go’aan ay qaateen shacabka Soomaaliyeed. “Waxaan ka shaqeynaynaa in aan xoojino federaalisimka dalka, si loo sameeyo maamul baahin, dadkuna ay uga faa’idaystaan adeegyada dawladnimo.

-DHAMMAAD—-

Imaaraadka 24ka Oktoobar 2017 Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore Dowladdii KMG, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’isul-wasaarihii hore, Cumar C/rashiid ayaa booqasho ku jooga magaalladda Abu Dhabi, si ay Madaxda dalka Imaaraadka Carabta uga mahad celiyaan Taageeradad xooggan ee dhinaca Samafalka ee ay u fidiyeen dadkii ku dhaawacmay qarixii bishan 14-dii ka dhacay Isgoyska Zoope ee magaalladda Muqdisho.

Sheekh Shariif oo Saxaafadda kula hadlay Safaaradda Somalia ku leedahay magaalladda Abu Dhabi waxa uu ku bogaadiyey Dowladda Imaaraadka kaalinta sare ee ay ka qaadanayaan Gurmadkii loo fidinayo dadkii ku dhaawacmay Qarixii Zoope.

Waxa uu si gaar ah ugu mahad celiyey Amiirka dalka Imaaraadka, Shiikh Khaliifa Bin Zayid Al-nahyaani iyo guud ahaan Madaxda dalkaasi sida ay u garab istaageen, una taageerayaan dadka Soomaalida ee ku dhaawacmay Qaraxaasi.

Sidoo kale, Ra’isul-wasaarihii hore, Cumar C/rashiid oo la hadlay Saxaafadda waxa uu tilmaamay inay Dowladda Imaaraadka ka mid ahayd Dowladihii ugu horreeyey ee Gurmadka u fidiyey dadkii ku dhawaacamay qarixii Zoope, isla markaana ballan qaaday daaweynta 100 Bukaan iyo Daryeelka 300 qoys oo ka mid ah dadkii ay ehelkooda ku geeriyoodeen Qaraxaasi.

Dhinaca kale, Danjiraha Somalia u jooga Imaaraadka, Ambassador C/qaadir Shiikheey waxa uu dhawaan u sheegay Wakaalladda Wararka Imaaraadka ee WAM inay Dowladda Imaaraadka damaanad qaaday sidii 100 ka mid ah dadka dhaawacan lagu soo daaweyn lahaa Isbitaalladda ku yaalla dalka Kenya

FIFA 24ka Oktoobar 2017 Weerraryahanka kooxda Real Madrid, Cristiano Ronaldo iyo tababarihiisa Zinedine Zidane oo kor u haya billadaha ay ku guulaysteen.

Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo ayaa ku guulaystay biladda FIFA ee laacibka ugu wanaagsan caalamka ee 2017-ka.

Waa sanadkii labaad ee xiriir ah ee uu ciyaaryahankan biladdaasi uu ku guulaysanayo, taas oo xafladdii lagu bixinayay ay ka dhacday magaalada London.

Weerraryahanka kooxda Real Madrid iyo xulka Portugal ayaa ka adkaaday labadii ciyaaryahan ee la tartamaysay ee Lionel Messi oo Barcelona u dheela iyo Neymar oo u safta kooxda Paris St-Germain.

Ronaldo oo 32-jir ah, ayaa xilli ciyaareedkii hore ka caawiyay kooxda Real Madrid inay ku guulaysato Koobka Horyaallada Yurub iyo La Liga-ha Spain.

Lieke Martens oo ka tirsan kooxda Barcelona una dheesha xulka Netherlands ayaa ku guulaysatay haweeneyda ugu wanaagsan kubadda cagta ee sanadkan.

Tababaraha kooxda Real Madrid, Zinedine Zidane, waxa uu isna ku guulaystay biladda tababaraha ugu wanaagsan ciyaaraha kubadda cagta ee ragga, halka tababaraha xulka kubadda cagta haweenka ee Netherlands, Sarina Wiegman, ay noqotay tababaraha ugu wanaagsan ciyaaraha dumarka.

Weerraryahanka kooxda Arsenal, Olivier Giroud, ayaa ku guulaystay biladda Puskas ee goolkii ugu wanaagsanaa sanadkan, kaas oo bishii Janaayo uu ciribta kaga dhaliyay kooxda Crystal Palace.

WARARKA MAANTA 23ka Oktoobar 2017 Sir Culus Yaa runta qarin kara?

Su’aalaha Maanta: Maxuu u kashifay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi khaladaadka uu ku kacay Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Raysal Wasaare Khaa’inul Waddan Mudane Xassan Cali Kheyre oo u mooday in Ummadda Soomaaliyeed si kasta oo khaldi karo?

Maxay beesha caalamka u diiday inay lacag siiso Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo? Maxayse beesha caalamka ugu sheegtay inuu Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ku guuldarraystay inuu si fiican u hoggaamiyo dalka Soomaaliya sidaas awgeedna looga baahan yahay inuu iscasilo si deg deg ah haddii kale Ummadda Soomaaliyeed loo sheegi doono sababtii kaliftay inuu iscasilo Safiirka Dalka Maraykanka u-qaabilsanaa dalka Soomaaliya Mudane Stephen Schwartz oo u adkaysan waayey khaladaadka siyaasaddaysan iyo musuqmaasuqa baahsan ee ay Dowladda Soomaaliya madaxdeeda si bareer ah ugu kacayaan tan iyo intii ay xukunka qabteen ilaa iyo hadda? Waxaa la hubaa inaysan beesha caalamka wax lacag siin doonin dadka iyo dowladda Soomaaliya inta ay weli rag badan oo argagixiso ah iyo kuwo musuqmaasuq lagu soo eedeeyey ay kamid yihiin Dowladda Soomaaliya sida haddaba cad muddo 7 bil ah wax lacag ah ma siin beesha caalamka dalka Soomaaliya hadda waxay si cad ugu sheegtay Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo inuu casilo Khaa’inul Waddan Raysal Mudane Xassan Cali Kheyre oo Ummadda Soomaaliyeed ka galay dembi khaa’inul waddaninimo markii uu heshiis qarsoodi ah la saxiixday inuu Agaasime u noqdo Shirkadda Soma Oil and Gas in uu ugu fududeeyo sidii ay Shirkadda Soma Oil and Gas u hantin lahayd kheyraadka dabeeciga ee Illaahay ku mannaystay Ummadda Soomaaliyeed.

Hargaysa 23ka Oktoobar 2017 Gudoomiyaha xusbiga mucaaradka ah ee ucid eng, feysal Cali Waraabe oo Khudbad u jeedinayay boqolaal ka mid  ah taageerayaasha xisbigiisa ayaa soo hadal qaaday arimaha gobolka ay deriska yihiin ee puntland iyo sidoo kale Arimo ku wajahan dowlada dhexe ee soomaaliya

Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in ka feysal ahaan hadii uu ku guuleysto jagada u sareysa ee maamulka Soomaliland Islamarkaana uu  u tartamayo hogaanka omaliland qaban doono sida uu  sheegay shirweyne uu ku heshiisiinayo siyaasiyiinta iyo madaxda soomaliya

Feysal ayaa sidoo kale digniin u jeediyay madaxda maamulka ay deriska yihiin ee puntland oo uu  uga digay in ay fara gelin ku sameeyaan doorashada madaxtinimo ee Somaliland,hadii ay joojin waayaan ay tilaabo ka qaadi doonaan ,isagoona ku hanjabay hadii puntland isku daydo ay qabsan doonaan magaalada garoowe ee xarunta maamulka puntland.

Kampala 23ka Oktoobar 2017Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo ku jooga dalka Uganda, ayaa la kulmay dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni.

Labada Madaxweyne waxa ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal, amniga gobolka iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay dowladda Uganda kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadatay nabad ilaalinta Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab.

Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Museveni ayaa dhankiisa tilmaamay sida ay uga go’an tahay in ay garab istaagaan Soomaaliya.

Madaxweyneyaasha labada dal, wax ay isla qaateen muhiimadda ay leedahay in la dardar geliyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, si meesha looga saaro khatarta ay ku hayaan deganaanshaha gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa kulanka ku weheliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Yusuf-Garaad Cumar, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa, Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Xildhibaan Xuseen Carab Ciise, Safiirka Soomaaliya ee dalka Uganda Mudane Sayid Axmed Sheekh Daahir, Lataliyaha Madaxweynaha ee dhanka Ciidamada Sarreeye-Guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo Lataliyaha Arrimaha Siyaasadda Dibadda, Mudane Balal Maxamed Cisman.

DHAMMAAD-

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir

Shabelle Hoose 23ka Oktoobar 2017 Cali Nuur Maxamed gudoomiye ku xigeenka Gobalka Shabeelaha hoose  ayaa  sheegay in  Al-Shabaab ay bilabeen in miinooyin ay ku aasaan Deegaano ka Tirsan Gobalkaas.

Sidoo kale waxaa uu Xusay in labo miino dhawaan laga soo saaray inta u dhexeysa ceelasha biyaha iyo Xaawo Cabdi oo kawada Tirsan gobalka Shabeelaha Hoose.

Gudoomiye ku xigeenka gobalka Shabeelaha Hoose ayaa Waxaa uu faahfaahiyay Sababta keentay in Al-Shabaab ay miinooyin ku aasan Gobalka Shabeelaha hoose,Waxaa uuna  Sheegay in Taasi ay keentay kadib markii dowlada federaalka soomaaliya ay dhawaan ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Hayeeshee CalI Nuur ayaa waxaa uu xusay in dhaq-dhaqaaq ciidan ay ka socdaan Deegaanada Gobalka Shabeelaha Hoose,kaasi oo ku aadan sidii Al-Shabaab loogu saari lahaa gobalkaas Meelaha ay kaga Sugan yihiin.

Al-Shabaab ayaa Gobalka Shabeelaha Hoose Khasaaraha ku gaarsiiyey Askar ka tirsan Ciidanka Dowlada Federaalka Soomaliya.

Sacuudiga 23ka Oktoobar 2017 Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka, Rekis Tillerson  ayaa sheegay hadalkaasi, kadib, markii uu Shir Jaraa’id ku qabtay Caasimadda dalka Qatar ee Dooxa, wuxuuna tilmaamay inuusan rajo buuxda ku qabin inay Dowladda Sacuudiga doonayso inay Wada-xaajood ka galan xalinta Khilaafka Khaliijka.

Rekis Tillerson  waxa kale oo uu carrabka ku dhuftay inaysan wada-xaajood ku khasbi Karin dad aan diyaar u ahayn inay wada hadlaan.

Bishii June 5-dii ayey Dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka, Baxrayn iyo Masar xiriirkii Diplomaasiyadeed u jareen dalka Qatar, kuna eedeeyeen inay taageerto Kooxaha loogu yeero Argagixisadda, balse Qatar wey beenisay eedaasi.

Nigeria 23ka Oktoobar 2017 Hoggaamiyaha Boko Haram, Abubakar Shakau oo wejiga u xiran yahay

Wararka ka laga helayo dalka Nigeria ayaa sheegaya in dad isku soo xiray waxyaabaha qarxa ay ku dileen in ka badan tobannaan qof laba weerar oo kala duwan nawaaxiga magaalada Maiduguri.

Majirto Koox sheegatay in ay geysatay weeraradan balse magaaladan Maiduguri waxa si joogta ah u bartilmaameedsada kooxda Boko Haram.

Sarkaal ka tirsan booliiska Nigeria ayaa sheegay in weeraradu ay ka dhaceen xero ay ku jiraan dad kasoo cararay colaada ay waddo maleeshiyaadka kooxda Boko Haram.

Ku dhawaad laba milyan oo qof ayaa ku barakcay sabab la xiriira halista kooxdan Boko Haram ee magaalada Maiduguri.

Muqdisho 23ka Oktoobar 2017 Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Guddiga Gaadiidka iyo Dekadaha Baarlamaanka ayaa hadalkaan sheegay xili uu ka hadlay xaalada Dekeda iyo garoonka Diyaradaha ee Magaalada Muqdisho

Xildhibaanka ayaa sheegay in mid ka mid ah Hay’addaha Caawiya dadka Soomaaliyeed Dawooyin ay ugu talo gashay Shacabka Soomaaliyeed ay ku xaniban tahay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde.

Waxa uu sheegay in Hay’addaha Caawiya Soomaaliya ee ku sugnaan jiray dalka ku cawiso laakinse xayiraad lagu sameyay sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu arrintaan u sababeeyay in ay jirto in lagu xujeeyay in ay bixiyaan lacago farabadan oo Canshuur ah taas oo keentay in Garoonka iyo Dekadda ay Dawadaasi soo dhaafi weyso.

Ugu dambeyn waxa uu baaq u diray Xukuumadda Xasan Cali kheyre oo uu sheegay in loo baahan yahay in ay wax ka qabato.

Muqdisho 23ka Oktoobar 2017 Magaaladda Jowhar ee Caasimadda Hir-shabeelle waxaa maanta lagu caleema-saarayaa madaxweynaha maamulkaas Maxamed Cabdi Waare.

Xafladda caleema-saarka oo dhowr jeer dib loo dhigay ayaa maanta lagu wadaa in lagu qabto magaaladda jowhar waxaana ka qeyb galaya mas’uliyiin ka tirsan dowladda soomaliya sida Raisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan cali khayre,madaama uu dalka ka maqan yahay madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

Sidoo kale waxa lagu wadaa in xafladda caleema-saarka ay ka qeyb galaan madaxweynayaasha maamul goboleedyada iyo xubnaha beesha caalamka.

Waxaa aad loo adkeeyay ammaanka magaalada jowhar ee caasimadda Hirshabeelle, waxaa amaanka ka qeyb qaadanaya ciidamada dowladda Federaalka Soomaliya iyo kuwa midowga afrika AMISOM.

Madaxweynaha Hir-shabeelle Maxamed Cabdi waare ayaa 16-kii bishii September aynu soo dhaafnay ee sanadkan waxaa lagu doortay magaalada jowhar wuxuuna xilka ka badalay madaxweynihii xilka laga xayuubiyay ee Cali C/laahi Osoble.

Jubbaland State 23ka Oktoobar 2017 Wasiirka Warfaafinta Maamulka Jubba-land Cabdi Nuur Cali aadan  ayaa beeniyay warar sheegaya in uu iska casilay xilkii uu hayay.

Waxa uu sheegay in warqadda lagu arkay baraha bulshada in ay tahay mid been abuur ah islamarkaana ay baahiyeen dad kasoo horjeeda hormarka Mamulka Jubba-land.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in uu joogo madaxtooyada Maamulka Jubbaland ee Kismaayo islamarkaana  shabadda saaran warqadda iyo magaca wasaaraddu tahay mid hore, gaar ahaan xilligii ay halka wasaarad isku ahaayeen, Gadiidka, Isgaarsiinta iyo warfaafinta.

https://www.youtube.com/watch?v=mAC5oCHkXhA&feature=youtu.be&a=

Minneapolis 23ka Oktoobar 2017 Siyaasi Libaan Geedi oo si fiican uga hadlaya wixii Muqdisho qarxiyey qaraxii weynaa ee dadka masaakiinta ku halaagsameen.

https://www.youtube.com/watch?v=D99NWQkIpUg&feature=share

Muqdisho 23ka Oktoobar 2017 Gabay Tani Dowlad ma aha – fashilka Farmaajo iyo khaa’inul waddan Kheyrlaawe

https://www.youtube.com/watch?v=YVMhLnjQJH4&feature=youtu.be&a=

Image may contain: 1 person, hat, beard and outdoor

Muqdisho Sabti Oktoobar 21, 2017 Dowlad Gobaleedka Somaliland oo u dabaaldagaya Xuska Sannad-Quuraddi 48daad Markii ay Ciidanka Xoogga Dalka qabsadeen Xukunka Dalka!

Maanta waa maalintii ay Ciidamadda Xoogga Dalka ay xoog kula wareegeen xukunka dalka ayadoo markaas si khiyaano ah loo dilay Madaxweynihii Rayidka Ahaa Allaha U Naxariistee Mudane Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 21ka Oktoober 2017 waxay ku beeggan tahay maalintii uu Sareeye Gaas Taliyiihii Ciidanka Xoogga Dalka Mudane Maxamed Siyaad Barre inqilaab aan dhiig ku daadan uu kula wareehay xukunka dalka asagoo rag badan oo hawsha la wadayna si xeelladaysan xukuno kala duwan ugu fuliyey si aysan marnaba u hunguriyeynin inay ku qabsadaan tallada dalka!

WARARKA MAANTA 20ka Okoobar 2017 Sir Culus Yaa runta qarin kara? Su’aalaha Maanta: Goorma ayaa labada golaha casili doonaan Khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre? Meeqo rag oo wasiiro aad ka dhigtay oo dumar dalka gudihiisa iyo dibaddaba ku soo kufsaday ayaanu soo bandhigi doonaan meesha, sida iyo booliska hawlahaas kufsi dembiyeedka ah dacwadeeda haya? Muxuu isku casilay Safiirkii Maraykanka ee U-qaabilsanaa dalka Soomaaliya? Ma qarin kartaa inta nin ee taliyayaal sar-sare oo Shabaab u-qaabilsanaa basaasnimadda iyo dilalka qorshaysan in aad ka dhigtay Saraakiil sar-sare oo laamaha amniga siday rabaan u hoggaaminaya si ay u sii xasuuqaan shacabka Soomaaliyeed? Maxuuse Madaxweyne Farmaajo Raysal Wasaare uga dhigay Mudane Xassan Cali Kheyre oo khaa’inul waddan ah kaasoo ay Soma Oil & Gas laaluush $ 2 Milyan oo magac-dhaw/Magac-Uyaal ah kula heshiiyey shirkadaas si ay u dhacdo kheyraadka Ummadda Soomaaliyeed? Maxuu Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda Cabdillaahi Sanbolooshe uga hadli la yahay sida uu ugu guuldaraystay inuu amniga magaalada Muqdisho wax ka qabto? Maxuuse Taliyihii Booliska Soomaaliya Janaraal Cabdixakiin Daahir Saacid uga aamusay inuu ka hadlo halaagii lagu baabi’iyey shacabka Muqdisho oo si qarsoodi ah ugu soo ambabaxay dalka Maraykanka magaalada Washington DC meeshaasoo uu heshiis qarsoodi ah ula galay hay’addo shisheehe oo si been ah ugu cunna inay amniga Soomaaliya ka saacidayaan Dowladda Soomaaliya? Maxuu sida xaqiiqda ah u sharixi la yahay Wasiirka Amniga Mr. Isloow wixii dhacay? Muxuuse Wasiirka Arrimaha Gudaha Juxaa u sharaxi la yahay askartii fududaysay qaraxan asaga iyo wasiirka amniga Mr. Isloow? Maxuuse Wasiirka Warfaafinta uga hadli waayey fashilka hay’addaha amniga iyo taliyayaashooda halka uu warbaahinta u ogolaaday inay faafiso ceebaha madaxweyne Farmaajo Iyo Khaa’inul Waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre?Maraykanka 20ka Okoobar 2017 Barack Obama iyo George W Bush midkoodna ma soo qaadin magaca Trump Barack Obama iyo George W Bush oo horay madaxweyneyaal u soo noqday ayaa walaac ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee dalka Maraykanka, arrintaas oo loo arko dhaliil maldahan oo ka dhan ah hogaaminta madaxweyne Donald Trump.Obama ayaa ku baaqay in dadka Maraykanku ay diidan siyaasadda “kala qaybinta” iyo “cabsida” Bush-na wuxuu soo bandhigay eedkale oo ah in nolosha dadka lagu hayo “xoogsheegasho iyo yasid”Haddaladaas ayay meelo kala duwan ka jeediyeen, midkoodnanase ma soo hadal qaadin magaca madaxweyne Trump.Trump oo aad u naqdiyijiray madaxweynihii uu badalay ayaan wali arrintan ka hadlin.Madaxweyneyaashii hore ayaa caadiyan ka xishooyin jiray in ay meel fagaare ah wax kaga sheegaan madaxda badasha Obama markii uu xafiiska ka tagayayna wuxuu sheegay in ixtiraaankaas uu sii wadi doona inta uu Trump xilka hayo sidii uu sameeyay George W Bush oo isaga ka sii horreeyayLaakiin aamusnaanta ayuu joojiyay tan iyo markii ay soo baxday dadaallada uu Trump ku doonayo in uu ku nasakho oo ku badalo daryeelka caafimaadka ee Obamacare iyo waliba mamnuucitaankii “Muslimiinta” ee muranka badan dhaliyay iyo isaga bixiddii heshiiskii cimilada ee Paris.Muqdisho 20ka Okoobar 2017 Dadka aan waxba galabsan ee iyaga oo nolol maalmeedkooda la harjadaya sida maangaabnimada iyo arxan la’aanta ah loo dilay waxaan Ilaahey uga baryayaa in uu ka waraabiyo naxariista Jannada.Dhaawaca dalka gudhiisa ama dibaddiisa lagu daweynayo waxaan Ilaaheey uga baryayaa in uu dhakhso u bogsiiyo.Qof kasta oo si toos ah ama si dadban gacan uga geystay howlaha gurmadku wuu ku mahadsan yahay waxaanna Ilaaheey uga baryayaa in uu ajar iyo farxad ka siiyoWasiirka arimaha dibadda Somaliya yuusuf GaraadMuqdisho 20ka Okoobar 2017 Kadib, Qarixii dadka badan ku geeriyoodeen, waxay Ciiddanka Badda ee Midowga Europ ee (EU Naval Force), waxay Xafiiska QM ee Somalia soo gaarsiiyeen QALAB Cafaimaaf oo loogu talagalay in lagu taageero dadkii ay waxyeelladu ka soo gaartay Qarixii Zoope.Diyaarad Helikopter ah oo ka soo kacday Markabka Dagaalka ee Spain ee ESPS RAYO ayaa waxay soo qaaday Shixnad Xamuul oo ay ku jiraan Qaboojiyayaasha lagu kaydiyo Dawooyinka iyo qalab kale, kuwaasi oo ay QM soo socdsatay, si loogu taageero dadkii ku dhaawacmay Qarixii ka dhacay Isgoyska Zoope.Dhinaca kale, Guddiga Samafalka ee Ururka Midowga Europe waxay bilaabeen dadaalka Samafalka ee lagu taageerayo dadkii ku dhaawacmay qarixii bishan 14-dii ka dhacay Muqdisho.Midowga Europe waxay sannadkan ugu deeqeen  Somalia Taageero Degdeg ah oo dhan 118 million oo EURO.Muqdisho 20ka Okoobar 2017 Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in dacayaad ay la kulmaan dhaawacyadii laga qaaday Muqdisho ee dalka dibadiisa la geeyay.Guddoomiyaha ayaa sheegay in Hay’addaha Dowladda ay kula Xisaabtamayaan dhib walbo oo ay la kulmaan dhaawacyadii laga qaaday Muqdisho ee dalalka qaar la geeyay.Waxa uu sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay masuuliyad gaar ah ka saran tahay ka warqabka dadka dalka dibadiisa la geeyay.Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed ayaa shacabka Soomaaliyeed ee dalalka qaar ee dhaawacyada loo qaaday ka codsaday iney ka warqabaan islamarkaana ay caawiyaan dadka dhaawacyada ah ee la geeyay dalalka ay ku sugan yihiin.Hadalka Guddoomiye Thaabid ayaa imaanaya Xilli daryeel Caafimaad iyo ka warqab wanaagsan aysan helin qaar ka mid ah dhaawacyadii loo qaaday dalka dibadiisa gaar ahaan dhaawacyadii dowladda qadar ay geysay dalka Suudaan.Muqdisho 20ka Okoobar 2017 Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya S/Gaas C/weli Jaamac Gorod ayaa la kulmay Taliyaha Ciidamada AMISOM Jen, Cusmaan Nuur Subagle iyo saraakiisha ugu sareysa Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM, Labada dhinac ayaa waxa ay isla soo soo qaadeen sida ay lagama maarmaan u tahay in la sii xoojiyo howlgallada ka dhan ah ururka Al-Shabaab.Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in sanadkan  uu u noqon doono Ciidanka Xoogga dalka sanadkii dib-u-dhiska iyo howlgallada lagu lagula dagaalamayo Al-Shabaab, laguna xoreyn lahaa meelaha kooban ee dalka ay uga sugan yihiin.“Kulankan muhiimka ah ee aynu halkan u fadhino ujeedkiisu waa in wadajir loogu diyaar garoobo dib u xoreynta goobaha dhiman ee Shabaabku joogo. Waxaan isla garanay AMISOM in  Soomaaliya laga ciribtiro Al-shabaab.” Ayuu yiri Taliyaha Xoogga Jen. Gorod.Taliyaha AMISOM Jen. Sugable ayaa ugu hambalyeeyey Taliyaha cusub ee Xoogga dalka xilka culus ee loo magacaabay, wuxuuna cadeeyey in AMISOM ay diyaar u tahay sii xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa labada dhinac.EU 20ka Okoobar 2017 Raisul wasaaraha Mariano Rajoy iyo madaxda kale ee YurubMadaxwaynaha golaha midowga Yurub Donald Tusk ayaa sheegay in midowga Yurub aysan meelna uga banaaneen in ay ku lug yeeshaan dhaxdhaxaadinta arrinta Catalonia.Waxaa uu hadalkan ka jeediyay maalinkii koowaad ee shirka wadamada Midowga Yurub .Madaxwaynaha golaha midowga Yurub Donald Tusk ayaa sheegay in muranka ka taagan Catalonia aysan ka wadaxaajoon doonin hogaamiyayaasha midowga Yurub.

Xukuumada Spain ayaa khamiistii sheegtay in ay bilaabayso geedi socod ay kula wareegayso qaar ka mid awoodahii ismaamulka Catalonia.

Hogaamiyaha gobolka Catalonia,Carles Puigdemont,ayaa dhankiisa ku hanjabay in uu saxiixi doono madaxbanaanida gobolkaasi.

Madaxa guddiga midowga Yurub Jean-Claude Juncker ayaa sheegay in boqolkiiba shan oo kali ah la bixiyay lacagihii loogu talagalay in loogu deeqo dowladaha Afrika si loo dhimo qulqulka muhaajiriinta ka imanaysa qaarada.

Qaramadda Midooway 20ka Okoobar 2017 Qaramada Midoobe ayaa walaac ka muujisay wararka sheegay in barakicin qasab ah oo gaar ahaan lagu bartilmaameedsanayo dadka rayidka ah ee Kurdiyiinta ay ka socoto waqooyiga Ciraaq.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in rabshado lagula kacay dadka Kurdiyiin waqooyiga Ciraaq.

Ciidamada dowlada ayaa la sheegay in ay dileen qof dibad bax cabasho ah dhigayay magaaladda Khanaqin.

Ciidamada dowladda Ciraaq ayaa ku sii siqaya gooba ay horey u maamuli jireen xukuumada Kurdiyiinta.

Horey waxa ay Ciidamada Ciraaq gacanta ugu dhigeen magaalada qaniga ku ah Shidaalka ee Kirkuk, .

Qaramada Midoobey ayaa ugu baaqday xukumadda Baqdaad in ay xaqiijiso in la difaaco dhammaan dadka rayid ah.

Dhanka kale maamulka Kurdiyiinta Waqooyiga Ciraaq ayaa waxa ay soo dhaweeyeen wadaxaajoodka uu ku baaqay raisul wasaaraha Ciraaq.

Boosaaso 20ka Okoobar 2017 Warark aan ka heleyno Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in Bartamaha Magaaladaas lagu arkayo Caagag loo maleynayo in ay qaraxyo ku jiraan.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Puntland ayaa ku harereysan halka la sheegay in uu qaraxa yaallo oo ah Aaga Isgoyska Suuqa Caanaha ee Boosaaso sida ay  sheegeen qaar ka mid ah Dadka Magaalada Boosaaso.

Ciidamada aya tan iyo Galabta daka u diidaya in ay ka agdhawaadaan Goobta looga shakisan yahay in uu yaallo qaraxa,waxaan sidoo kale la xiray goobihii Ganacsi eek u yaalla Aaga Suuqa Caanaha Magaalada Boosaaso.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Maamulka Puntladn ayaa xiriir lasameynay si aan wax uga weeydiino arrintaas balse kama jawaabin taleefoonaena.

Shareholders

Muqdisho Oktobar 20, 2017 Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa warqado u diray Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, kaasoo uu kaga codsanayo qabashada kulan deg deg ah oo wadajir la isugu yeero Xildhibaanada Labada Aqal.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dalbaday Guddoonka labada Aqal in maalinta Sabtida oo ku beegan 21 bisha October la isugu yeero xubnaha labada Aqal, si uu khudbad ku aadan xaalada dalka ugu jeediyo.

WARARKA MAANTA 19ka Okoobar 2017 Sir Culus Yaa runta qarin kara?

Su’aalaha Maanta: Muxuu isku casilay Safiirkii Maraykanka ee U-qaabilsanaa dalka Soomaaliya? Ma qarin kartaa inta nin ee taliyayaal sar-sare oo Shabaab u-qaabilsanaa basaasnimadda iyo dilalka qorshaysan inaad aad ka dhigtay Saraakiil sar-sare oo laamaha amniga siday rabaan u hoggaaminaya si ay u sii xasuuqaan shacabka Soomaaliyeed? Maxuuse Madaxweyne Farmaajo Raysal Wasaare uga dhigay Mudane Xassan Cali Kheyre oo khaa’inul waddan ah kaasoo ay Soma Oil & Gas laaluush $ 2 Milyan oo magac-dhaw/Magac-Uyaal ah kula heshiiyey shirkadaas si ay u dhacdo kheyraadka Ummadda Soomaaliyeed? Maxuu Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda Cabdillaahi Sanbolooshe uga hadli la yahay sida uu ugu guuldaraystay inuu amniga magaalada Muqdisho wax ka qabto? Maxuuse Taliyihii Booliska Soomaaliya Janaraal Cabdixakiin Daahir Saacid uga aamusay inuu ka hadlo halaagii lagu baabi’iyey shacabka Muqdisho oo si qarsoodi ah ugu soo ambabaxay dalka Maraykanka magaalada Washington DC meeshaasoo uu heshiis qarsoodi ah ula galay hay’addo shisheehe oo si been ah ugu cunna inay amniga Soomaaliya ka saacidayaan Dowladda Soomaaliya? Maxuu sida xaqiiqda ah u sharixi la yahay Wasiirka Amniga Mr. Isloow wixii dhacay? Muxuuse Wasiirka Arrimaha Gudaha Juxaa u sharaxi la yahay askartii fududaysay qaraxan asaga iyo wasiirka amniga Mr. Isloow? Maxuuse Wasiirka Warfaafinta uga hadli waayey fashilka hay’addaha amniga iyo taliyayaashooda halka uu warbaahinta u ogolaaday inay faafiso ceebaha madaxweyne Farmaajo Iyo Khaa’inul Waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre?

Muqdisho 19ka Okoobar 2017 Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Mudane Maxamed cabdullahi farmaajo ayaa mar uu qudbad u jeedinyay dad dibad-baxayaal isugu yimid Studio Koonis kuwaa oo ka baroor diiqayay dadkii dhimashada iyo dhaawaca ku noqday Weerarkii 14 bishan ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaaalada muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Shacabka ugu baaqay iney Qorayga-qataan iskana dhiciyaal Cadawga, sida hadalka uu udhigay

Sido kale Madaxweynha ayaa sheegay iney bixinayaan Qarashaadka ku baxaya Ciidamo uu sheegay in loogu magac dari doono Ciidamada Difaaca Dadweynaha.
Waxuu Madaxweynha intaasi raaciyay Shabaab inta ay Soomaaliya joogaan in aan Gumeysi laga bixi doonin.

Muqdisho 19ka Okoobar 2017 War Saxafadeed kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa lagu beeniyay Warar ay baahiyeen Idaacadaha ka Howlgala Magaalada Muqdisho iyo wargesyadda caalamka.

Taliska ayaa sheegay in Wararka ay baahiyeen Idaacadaha Muqdisho uu Yahay mid waxba aan ka Jirin

Halkaan hoose ka Akhriso Warsaxaafadeedka

Warka ay baahiyeen Idaacadaha Muqdisho ka Howlgala iyo wargeys laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa ahaa Askari ka Tirsanaan Jiray Xoogga Dalka Soomaaliya inuu ku Lug Lahaa Qaraxii 14 Bishaan ka dhacay Muqdisho.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Tilmaamay in Qaraxii ka dhacay Zoobe ay Fuliyeen Al-shabaab balse waxa uu Intaasi ku Daray Ciidamada Xoogga Dalka ay Al-shabaab ku weeraraan Gobolada Dalka.

‘’’Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya waxa ay weerar ku qaadaan Goobaha ee Al-shabaab ka Joogaan Gobolada Dalka Soomaaliya waxaan Fulinaa Howlgalo aan ku dilno ciidamo iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu Yiri Warsaxafadeed kasoo Baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka’’

Taliska Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Sidoo kale sheegay in ay leeyihiin Afhayeen u Hadla Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya kaa oo ka Hadlay Howlgalada Ciidamada ay Fuliyaan iyo Xaalada Adag ee Soo Wajaha Ciidamada Xoogga Dalka

Saraakiil ka Tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay sheegay in dhawaan ay bilaawi doonaan Howlgal Al-shabaab lagu weerari doono Goobaha ay Joogaan.

Kismaayo 19ka Okoobar 2017 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxayo dilka Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdi Xakiin Jaamac Cumar “Tima Farasle” oo ka tirsanaa Baarlamaanka Maamulka Jubbaland kaas oo xalay Fiidkii hore lagu dilay Kismaayo.

Goob joogayaal ayaa  xaqiijiyay in Marxuumka ay toogteen Labo nin oo hubeysan kuwaas oo dilka ka dib la sheegay si Cabsi la’aan ah in ay magaalada u dhaxmarayeen mana jirto wax dadaal oo ay Samaayeen Laamaha amaanka Jubbaland.

Ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Kismaayo ayaa sheegay in Marxuumka la dilay loo maleynayo in dilkiisa aysan ka danbeyn Al-Shabaab balse lagu tuhmaayo in uu salka ku haayo muran dhinaca Dhulka oo maalmihii la soo dhaafay ka dhex taagnaa Xildhibaanka iyo Saraakiil kale.

Laamaha amaanka Jubbaland oo aan la hadalnay ayaa ka gaabsaday in ay Faah Faahin ka bixiyaan dilkaasi, balse Shacabka Kismaayo ayaa kuu sheegayo in dilka Xildhibaan Tima Farasle uu salka ku haayo muran dhinaca Dhulka oo maalmihii la soo dhaafay ka dhex taagnaa Marxuumka iyo Xubno kale oo ka tirsan Jubbaland.

Wararka kale oo dheeraad ah oo aan ka helnay Kismaayo ayaa xaqiijinaya in Marxuumka uu dilkiisa geesaty nin ku libisan dareeska Ciidanka Nabad Sugidda Jubbaland kadibna goobta ka baxsaday.

Waa markii ugu horeysay oo Bartamaha Kismaayo lagu t

Kismaayo 19ka Okoobar 2017 Dagaalamayaasha Aragixisadda Al-Shabaab ayaa sheegtay dilkii ka dhacay Kismaayo ee loo geestay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Jubbaland.

Al-Shabaab ayaa sheegay in dilkaasi ay ka danbeeyeen waxayna sheegeen in dilkaas uu yahay kii ugu horeeyay oo loo geesto Xildhibaan ka tirsan Jubbaland.

In kastoo Al-Shabaab ay sheegteen dilkaasi ayaa warar kale ayaa xaqiijinaya in dilka Xildhibaanka uu salka ku haayo muran kala dhaxeeyay Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Jubbaland murankaas oo ka dhashay is qab qabsi la xariira dhul ku yaala Kismaayo.

Shareholders

Sir Culus

Yaa runta qarin kara dadka Ururka Argagixisadda Al-Shabab la shaqaynaaya? Yaase Askarigii is-qarxiyey u soo dhiibay gaarigii/baabuurkii shacabka lagu dhex qaxiyey?

Maxweyne Mudane Farmaajo, maxuu isku-casilay Safiirkii Maraykanka u jooga Soomaaliya Mudane Stephen Schwartz? Maxayse Xukuummadda uu hoggaminayo khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre u heli weysay wax dhaqaallo oo ka yimaada beesha caalamka gaar ahaan Maraykanka iyo reer Yurub? Ma waxaad umalaynaysaa in aad xaqiiqda ka qarin karto Ummadda Soomaaliyeed Iyo beesha caalamka sidii loo soo abaabulay qaraxii lagu hagaalaya shacabka Muqdisho ee aad diidan tahay inay xitaa helaa xuquuqdooda heer federaal ahaan ah si ay wax ula qayb sadaan dowlad gobaleedyada kale ee hadda ka dhex-jira Soomaaliya?

Ma qarin kartaa xiriirka sirta culus ee sida loo fashilay?

Madaxweyne Mudane Farmaajo, laba usbuuc/laba toddobaad haddii aadan ku casilin khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre waxaa dhici doono in adiga si lama filaan ah xoog laguugu casilo sidii ku dhacday Madaxweyne Mudane Cabdalaahi Yuusuf Axmed “Ayey”?

Ogoow in aanu nahay dadkii ku soo saaray gursigan, mar haddii aadan tallo Ummadda Soomaaliyeed u hoggaansamayn waxaad ogaataa meeshii iyo qasabkii madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf laga tuuray xukunka inay kugu soo socoto?

https://www.rt.com/uk/335247-al-shabaab-oil-somalia/

WARARKA MAANTA 18ka Okoobar 2017 Sir Culus Yaa runta qarin kara?

Su’aalaha Maanta: Yaa ka dembeeyey qaraxii lagu dilay dad badan oo aan waxba galabsan? Maxaa ku kalifay Madaxweyne Mudane Farmaaho inuu dhaho afar sanno kaliya ayaan xilka haynayaa oo isma soo sharaxayo? Ma waxuu Farmaajo afartaas sanno aruursanayaa lacag uu dhaco? Maxuuse Madaxweyne Farmaajo Raysal Wasaare uga dhigay Mudane Xassan Cali Kheyre oo khaa’inul waddan ah kaasoo ay Soma Oil & Gas laaluush $ 2 Milyan oo magac-dhaw/Magac-Uyaal ah kula heshiiyey shirkadaas si ay u dhacdo kheyraadka Ummadda Soomaaliyeed? Maxuu Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda Cabdillaahi Sanbolooshe uga hadli la yahay sida uu ugu guuldaraystay inuu amniga magaalada Muqdisho wax ka qabto? Maxuuse Taliyihii Booliska Soomaaliya Janaraal Cabdixakiin Daahir Saacid uga aamusay inuu ka hadlo halaagii lagu baabi’iyey shacabka Muqdisho oo si qarsoodi ah ugu soo ambabaxay dalka Maraykanka magaalada Washington DC meeshaasoo uu heshiis qarsoodi ah ula galay hay’addo shisheehe oo si been ah ugu cunna inay amniga Soomaaliya ka saacidayaan Dowladda Soomaaliya? Maxuu sida xaqiiqda ah u sharixi la yahay Wasiirka Amniga Mr. Isloow wixii dhacay? Muxuuse Wasiirka Arrimaha Gudaha Juxaa u sharaxi la yahay askartii fududaysay qaraxan asaga iyo wasiirka amniga Mr. Isloow?

Turkiga 18ka Okoobar 2017 Wargeyska The Guardian ayaa qoray Qaraxii lagu hoobtay ee Sabtidii 14-kii October ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho in uu ka dambeeyay Askari horey uga tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka.

Qaraxan ayaa ahaa mid jawaab u ah weerarkii Duqeynta loo adeegsaday ee 25-kii August ee sanadkan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Mareykanka ay ka geysteen degaanka Bariire ayna ku dileen 10 qof oo rayid ah, sida uu qoray Wargeyska.

“Weerarkan waxa uu ahaa mid lagu doonayay in lagu qaado Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho waxana waday gaariga qarxay Askari hore uga tirsanaa ciidamada dowlada kaas oo ka soo jeeda degaanka Bariire.” Ayuu daabacay Wargeyska.

Sidoo kale Qaraxan oo warar dheeraad ah ay ka soo baxayaan ayaa hadana Wargeyska wuxuu kaloo qoray weerarkan in loo adeegsaday laba Gaari oo midi Xamuul yahay, halka mid kalena uu ahaa Gaari NOAH, kaasi oo Ciidamada ammaanka ay ku qarxiyeen Agagaarka Ceel-qalow, kadib markii ay gacanta ku dhigeen ninkii waday.

“Gaariga yar waxaa la doonayay inuu isku qarxiyo albaabka laga galo Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde Medina Gate ka dibna Gaariga weyn uu wadada u furo si uu ugu qarxo gudaha ama afaafka hore ee Garoonka Diyaaradaha.”Ayuu qoray Wargeyska The Guardian.

Qaraxaan ayaa ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee abid ka dhaca Soomaaliya, ilaa iyo iminka ma jirto cid sheegatay, balse Dowladda Soomaaliya iyo xeeldheerayaasha arrimaha Argagixisada ayaa rumeysan qaraxii Zoobe in ay ka dambeeyeen Al-Shabaab.

Muqdisho 18ka Okoobar 2017Waxaa mudo ka badan 30 Daqiiqo xiran Isgoyska Ceelgaabta ee degmada Xamarweyne ee Gobolkaan Banaadir Kadib markii halkaasi lagu arkay Gaari weyn oo laga shakiyay.

Gaari Nooca ay Soomaalida u taqaano Candhamedlaha ayaa yaalla halkaasi kaas oo looga shakisan yahay in ay ka buuxaan waxayabaha qarxa taas oo keentay in Ciidamadu wadada xiraan.

Dadka ka agdhow Goobta uu yaallo Gaariga ayaa waxa ay sheegeen in Darawalkii waday Gaariga oo ka maqnaa in markii dambe uu yimid haatana Ciidamada amniga ay Su’aalo weeydiinayaan.

Sudan 18ka Okoobar 2017 Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Bukaanaddii Maanta ay ka qaaday Magaaladda Muqdisho ee ku wajahnaa Dalka Suudaan, ayaa hadda ka degay Magaaladda Khartoum ee Xarunta dalkaasi, halkaas oo ay kusoo dhoweeyeen Masuuliyiin Safaaradda Soomaaliyeed ee Suudaan iyo Jaaliyadda Dalkaasi ku nool.

Madaxweynaha Dowladda Sudan, Cumar Albashiir, ayaa kahadlay qaraxii Zoobe ee Dadka badan ay ku dhinteen, isagoo sheegay in Bukaanadda Wadaankaasi gaaray oo gaaraya 23 Qof ay Dowladdiisa u balan qaadeyso in addeeg Caafimaad ay siin doonto, islamarkaana Suudaan ay diyaar u tahay Caawinaada iyo Garab istaaga Soomaaliya, ayna la qeyb saneyso Dhibaatada.

Cumar Albashiir, Madaxweynaha Wadanka Suudaan, ayaa Amray Wasaaradda Caafimaadka ee Wadankaasi in il gaar ah lagu hayo bukaanada Soomaalida ah, loona fidiyo Gargaar caafimaad oo tayo leh, waxaana uu intaas ku daray in xil gaar ah la iska saaro

Afooye 18ka Okoobar 2017 Dagaalamayaasha Argagixisadda Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday Saldhig ay Ciidanka Dowladda ku leeyihiin degmadaasi.

Dagaal culus oo socday ku dhawaad 30 daqiiqo ayaa ka dhacay Afgooye waxaana la sheegay in uu ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray Labada dhinac.

Goob joogayaal ayaa  sheegay in mudadii uu dagaalka Socday saameyn balaaran ku yeeshay dadka deegaanka.

Saraakiisha degmada oo aan la hadalnay ayaa sheegay in uu jiro dagaalka islamarkaana uusan dhinacooda Khasaaro soo gaarin.

Al-shabaab ayaa Sheegtay in ay Guulo ka gaareyn Dagaalkaasi

Muqdisho 18ka Okoobar 2017 Sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa VOA-da u sheegay in qaraxi ay dadka badani ku dhamaadeen ee Sabtidi ka dhacay Muqdisho uu bartilmaameedkiisu ahaa saldhigga ciidan ee ay Dowlada Turkiga dhawaan ka furtay magaalada Muqdisho.

Sarkaalkan oo diiday in magaciisa la xuso ayaa sheegay in macluumaadka ay ururiyeen tan iyo inti uu qarraxa dhacay ay tilmaamayaan in hadafku uu ahaa in saldhiga milatari ee ay Turkigu ku leeyihiin Muqdisho.

30-ki bishii September ayaa si rasmi ah xariga looga jaray saldhiga milatari ee Turkiga uu ka furay Muqdisho. Sida ay sheegtay Dowlada Turkiga, qorshaha ayaa ah in 200 oo sarkaal oo Turkish ah ay xerada ku tababari doonaan ilaa iyo 10,000 oo Askari oo Soomaali ah.

Dhinaca kalana, Agaasimihi hore ee Hey’adda Nabadsugida Qaranka Soomaaliya Axmed Macallim Fiqi ayaa VOA-da u sheegay in bamkii lagu qarxiyay isgoyska Zoobe lagu soo diyaariyay dhul beera ah oo ku yaala duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale madaxii hore ee mukhaabaraadka Puntland Cabdi Xassan Xuseen ayaa isna sheegay in loo xaqiijiyay in baabuurka lagu fuliyay qarraxi ugu xumaa abid ee ka dhaca Soomaaliya uu ka yimid dhulka ay maamulaan Al-Shabab ee duleedka magaalada Muqdisho.

Saraakiisha amniga ee Dowlada Soomaaliya ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ay su’aalo weydiinayaan darawalka baabuur Toyota NOAH ah oo isna Sabtidii hore ku qarxay magaalada Muqdisho, Waxay kaloo sheegeen in ay xireen Afar nin oo looga shakisanyahay in ay ka tirsanyihiin Al-Shabab isla markaana lala xiriirinayo qarraxii lagu baaba’ay ee Muqdisho.

Hindiya 18ka Okoobar 2017 Allaha u Naxariistee waxaa dalka India ku geeriyooday Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo lagu Magacaabi jiray Bootaan Ciise Caalin.

Xildhibaanka ayaa Maalmihii la soo dhaafay ku xanuunsanayay Isbitaal ku yaalla gudaha dalkaasi kadib markii howlo Caafimaad darted loo geeyay sida ay xaqiijiyeen Eheladiisa.

Xildhibaanka Allaha u Naxariistee ayaa horay waxa uu uga mid noqday Hoggaamiyaashii dalka ee dagaalka la galay Midowgii Maxkamadaha Islaamiga,waxaana ugu dambeyn haatan uu ka mid ahaa Xildhibaanada baarlamaanka ee laga soo doortay deegaanada Galmudug.

Muqdisho 18ka Okoobar 2017Sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxi ay dadka badani ku dhamaadeen ee Sabtidi ka dhacay Muqdisho uu bartilmaameedkiisu ahaa saldhigga ciidan ee ay Dowlada Turkiga dhawaan ka furtay magaalada Muqdisho.

Sarkaalkan oo diiday in magaciisa la xuso ayaa sheegay in macluumaadka ay ururiyeen tan iyo inti uu qarraxa dhacay ay tilmaamayaan in hadafku uu ahaa in saldhiga milatari ee ay Turkigu ku leeyihiin Muqdisho.

30-ki bishii September ayaa si rasmi ah xariga looga jaray saldhiga milatari ee Turkiga uu ka furay Muqdisho. Sida ay sheegtay Dowlada Turkiga, qorshaha ayaa ah in 200 oo sarkaal oo Turkish ah ay xerada ku tababari doonaan ilaa iyo 10,000 oo askari oo Soomaali ah.

Dhinaca kalana, agaasimihi hore ee Hey’adda Nabadsugida Qaranka Soomaaliya Axmed Macallim Fiqi ayaa VOA-da u sheegay in bamki lagu qarxiyay isgoyska Zoobe lagu soo diyaariyay dhul beera ah oo ku yaala duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale madaxii hore ee mukhaabaraadka Puntland Cabdi Xassan Xuseen ayaa isna sheegay in loo xaqiijiyay in baabuurka lagu fuliyay qarraxi ugu xumaa abid ee ka dhaca Soomaaliya uu ka yimid dhulka ay maamulaan Al-Shabab ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxaan ayaa ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee abid ka dhaca Soomaaliya. Ilaa iyo iminka ma aysan sheegan kooxda Al Shabab, balse Dowlada Soomaaliya iyo xeeldheerayaasha arrimaha argagixisada ayaa rumeysan qaraxi Zoobe ay ka danbeeyeen Al-Shabab.

Saraakiisha amniga ee Dowlada Soomaaliya ayaa sidoo kale warbaahinta u xaqiijiyay in ay su,aalo weydiinayaan darawalka baabuur Toyota Noah ah oo isna Sabtidi hore ku qarxay magaalada Muqdisho. Waxay kaloo sheegeen in ay xireen afar nin oo looga shakisanyahay in ay ka tirsanyihiin Al-Shabab isla markaana lala xiriirinayo qarraxi lagu baaba,ay ee Muqdisho.

Dowlada Soomaaliya ayaa xaqiijisay in qarraxi 14-ki October ay ku dhinteen ku dhawaad 300 oo ruux. Tiro intaasi ka badan ayaa ku dhaawacmay.

https://www.youtube.com/watch?time_continue=5&v=kUlyjpuZXaA

WARARKA MAANTA 16ka Okoobar 2017 Sir Culus Yaa runta qarin kara?

Su’aalaha Maanta: Yaa ka dembeeyey qaraxii lagu dilay dad badan oo aan waxba galabsan? Mudane Raysal Wasaare, ma qarin kartaa musuqmaasuqa baahsan ee Dowladda aad raysal wasaraha  ka tahay? Maxuu qaban karaa Agaasimaha Madaxtooyadda Mr. Fahad Yasiin oo warbixintii ay ka qortay Qaramadda Midooway Guddigga U-qaabilsan Soomaaliya Iyo Eritrea ay ku caddeeyeen inuu yahay khaa’inul waddan musuqmaasuqiisa gaaray inuu dowladdo kale jaajuus u noqdo oo lacag ay soo dhiibeen si ay ugu lugooyaan dalka Soomaaliya ku maalgeliyey fowdada iyo qaska siyaasaddeed ee dalka ka taagan hadda asagoo weliba isku-dayaya inuu si xeelladaysan uga takhaluso maamulladda dowlad gobaleedyada ka jira dalka. Shaqsiga noocan ah ayaa raba asagoo aan ku quus qaadan Madaxweynihii hore ee uu meesha lacagta ku keenaya Mudane Xassan Shiikh Maxamuud inuu waxba dalka uga qaban waayey muddadii 4 sanno ee uu Ummadda Soomaaliyeed ka lumiyey, iyo Agaasimaha Madaxtooyadda Mr. Fahad Yasiin waxa uu hadda rabaa inuu sidii oo kale Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ka lumiyo hawlaha loo idmaday asagoo weli isticmaalayo dhaqaallo uu ka soo qaaday dowladda raba inaysan Soomaaliya dib cagaheeda isku taagin marka waxaan u mahadcelinaynaa sida hufan ee uu Wasiirka Warfaafinta Eng. Yariisoow u ogolaaday inay warbaahinta dalka Ummadda Soomaaliyeed ugu soo bandhigto dowladdan wada dadban ee uu shaqsiga noocaas ee ku caanbaxay musuqmaasuq baahsan inuu madax ka noqdo Xafiiska Madaxweynaha ayadoo ay Ummadda Soomaaliyeed si fiican u ogyihiin inuu Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo horay u ballanqaaday inuu la dagaalami doono musuqmaasuqa iyo dadka musuqmaasuqa lagu caddeeyo haddaba hadii ay Guddigga Qaramadda Midooway u qaabilsan Soomaaliya Iyo Eritrea ay si fiican warbixintooda ugu kashifeen musuqmaasuqa baahsan ee Agaasimaha Madaxtooyadda Mr. Fahad Yasiin maxaa mudane Madaxweyne Farmaajo u qaban karaa Ummadda Soomaaliyeed? Haddii aad shaqada ka cayrin weyso dadka lagu sheegaya musuqmaasuqa baahsan ee dowladda Soomaaliya hadda ka dhex shaqaynaya waxaanu kuu ballanqaadi doonaa inay Ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ay si toos iyo si dadbanba ay jari doonaan dhaqaallaha ay siiyaan Dowladda Soomaaliya oo muddadii ay hadda jirtay aan wax dhaqaallo ah la siin sababtoo ah dad musuqmaasuqa lagu soo caddeeyey ee ka dhex shaqaynaya si ay u sii wadaan lugooyadii ay Ummadda Soomaaliya iyo dalkoodba ku wadeen!

Turkiga 16ka Okoobar 2017 Iyadoo ay Dowladda Turkiga soo dirtay Diyaarad Ambalaas iyo Qalab Caafimaad oo lagu daawaynayo dadkii sida xun ugu dhaawacmay Qaraxaasi, waxa uu Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan si kulul u cambaareeyey Qaraxaasi.

Wakaalladda Wararka Turkiga ee ANADOLU NEWS AGENCY ayaa sheegtay inuu  Madaxweyne Erdogan Farriin u soo dirtay Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo uu uga tacsideeyey Qaraxaasi.

“Waxaan si xooggan u cambaaraynayaa Weerarkaasi lala beegsaday Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.

Waxa uu intaasi ku daray inay Dowladiisa ka go’an tahay inay garab istaagaan DFS iyo Shacabka Somalia si looga hortago kuwa ka damneeyey Qaraxaasi, waa sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Turkiga oo ka mid ah Dowladaha Caalamka ee taageeradda ugu badan siiya DFS waxay bishii hore Saldhig Milliteri ka furteen magaalladda Muqdisho.

Saldhigaasi oo ah kan ugu weyn ee ay Turkiga ku leeyihiin dalalka Caalamka waxaa loogu talagalay in lagu tababaro Ciiddanka Qaranka Somalia.

Turkiga 16ka Okoobar 2017 habeenimadii xalay ayaa waxaa Airport Istanbul Attaturk Airport lagu soo sagootiyay Wasiirka caafimaadka Dowlada Turkiga Mudane Ahmed Damircan ayna ku wehliyaan wafdi balaaran oo isuga jira dhaqaatiir kalkaaliyaal caafimaad kuwasoo ka dhamqaday shacbkii ku wax yeelooway qaraxii ka dhacay Mogadishu waxaana ku soo sagootiyay Istanbul Attaturk Airport Madaxa Xafiiska Ganacsiga Safaarda Soomaliya ee dalka Turkiga Yusuf Ahmed Xasan Jeego oo runtii Turkiga 16ka Okoobar 2017 Goordhow waxaa Garoonka Diyaaraha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ka duushay Diyaarada siday qaar ka mid ah dadkii ugu darnaa eek u dhaawacmay qaraxii Maalin ka hor ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Diyaaradaan ayaa waxa ay ka timid dalka Turkiga iyada oo ay la soceen Dhaqatiir u dhalatay dalkaasi, waxaana Garoonka ku sugnaa oo sagootiyay dhaawacyada masuuliyiin uu horkacayo Ra’iisul Wasaare xasan Cali kheyre Wasiiradda Arrimaha Dibad aiyo Warfaafinta.

Ku dhawaad 50 Ruux ayaa Diyaaradaan ay qaaday waxana Turkiga uu uga jawaabayay cosi ay u ireen Madaxda ugu sareysa dalka Soomaaliya

Muqdisho 16ka Okoobar 2017 Dhaawaca ,ilaa 300-qof ayaa isbitaalada magaalada la geeyey. Weli waxaa lagu guda jira gurmad qaran oo waxii soo kordha dib laga soo sheegi doona.

111-marxuum oo ka mid ah dadka dhintay ,waxaa aastay qoysaskooda halka inta kale ay dowlada federaalka ah iyo Dowlada hoose ee Xamar ay si sharaf leh u aaseen ,iyadoo loo sameyn doono baroor-diiq heer qaran ah iyo duco.

Waxaa socda gurmad la isu raadinayo dadka kala maqan ama la la’yahay iyo mid dhaqaale loogu ururinayo dadkii waxyeeladu soo gaartay iyo dhismayaashii burburay. Sidoo kale waxaa socda wacyigelin ballaaran oo bahda warbaahinta iyo culumada ay si xoog leh uga qeybqaadanayaan, loona baahanyahay in la sii joogteeyo.

DHAMAAD

Muqdisho 16ka Okoobar 2017 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre iyo Wasiirro ka tirsan Xukumaddiisa ayaa Garoonka Diyaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Wasiirka Caafimaadka Turkiga Axmed Demarcan,s.

Wasiirka Caafimaadka Tukiga Axmed Demarcan,s oo Saxafadda kula hadlay Garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay inuu u yimid in Xanuunka uu la wadaago Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana uu Xusay in Diyaarad laga leeyahay Turkiga lagu qaadi doono Dhaawacyada liita,kuwaas oo haddaba la geeyay garoonka Aadan cadde.

R/Wasaaren Xasan Cali Kheyrre Wasiirka Kowbaad Ee Xukumadda Soomaaliya ayaa uga Mahadceliyay Dowladda Turkiga Dadaalka ay ku Garabtaagan tahay Shacabka Soomaaliyeed Ee Dhibaatada ay ku hayaan Kooxaha Argagixisada ku soo duulay Dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiirka Caafimaadka Turkiga ayaa sheegay in ay Hawada ku soo jiraan Diyaarado kale oo qeyb ka qaadan doona Gurmadka Deg Dega ah ee loo fidinayo Dadkii ku dhaawacmay Weerarkii ugu Xumaa ee Sabtidii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Galmudug 16ka Okoobar 2017 Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf) ayaa ka hadlay qaraxii  khasaaraha badan dhaliyay ee todobaadkaan gudihiisa ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho.

Madaxweynaha Galmudug  Xaaf oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Cadaado ayaa tacsi u direy Eheladda dadkii ku dhintay qaraxaas isagoo caafimaad u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay.

“Wiil baa gabyay oo yiri indhaha aad isku araktaan cadaawada isaga eega, waa laga fiican yahay in aan siyaasad isku riix-riixno, wixii ka dhacay Magaaladda muqdisho waxay ahaayeen wax aan la aqbali karin, Madaxweynayaasha maamul goboleedyadda iyo Dowladda Dhexe ee Soomaliya ha u midoobaan cadowgooda, aniga oo khilaaf igala dhaxeeyay Dowladda Dhexe waa iska ilaaway arintaas”, ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf).

Muqdisho 16ka Okoobar 2017 Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa ka hadlay qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho waxaana uu ugu horeyn tacsi u diray shacabkii ay eheladooda ku geeriyoodeen weerarkaasi bahalnimo isaga oo dhinaca kalena Alle uga baryay inta dhaawaca ah in uu caafimaad deg deg ah siiyo.

“waxaan hor iyo horaan ka codsanayaa Xildhibaannada Golaha  Shacabka iney gurmadaan oo waxa ugu yar oo ay sameynayaan uu yahay iney dhiigooda ugu deeqaan dadka dhaawac ah ee u baahan, sidoo kalena waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa iney gurmadaan dhammaantood, arrintan waa arin anaga oo dhan na saameysa ma ahan Xukuumadda kaliya in laga sugo waa inaan dhammaanteen gurmanaa si loo bad baadiyo dadka dhibaateysan”ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu fariin u diray kooxaha ma naxayaasha ah ee falkan soo maleegay, sidoo kalena shacabka ayuu ugu baaqay iney muujiyaan isku duubni isaga oo dhinaca kale muujiyey in arintan Madaxweyne,Xukuumad,Gole Shacab iyo Aqal Sareba ay ka mideysan yihiin.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxa uu amray guddiyada Amniga,maalliyadda iyo arrimaha dibadda iney kala shaqeeyaan Xukuumadda wax kasta uu gurmad loogu sameyn karo dadka Soomaaliyeed ee ay waxyeeladu soo gaartay.

Muqdisho 16ka Okoobar 2017 Ciidamada Amniga ayaa xalay waxa ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee  Gobolkan Banaadir howlgalkaas oo sida ay Saraakiishu sheegeen ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga.

Ciidamada ayaa sigaar ah howlgalka uga sameynayay Guryo bartilmaameed ahaa sida ay Dalsan u sheegeen qaar ka mi ah dadka ku nool Xaafada Kaawa Godeey oo uu howlgalku ka socday.

Saraakiil  hadashay  ayaa waxa ay sheegeen in howlgalkaas ujeedkii laga lahaa lagu guuleestay isla markaana Gacanta ay ciidamadu ku soo dhigeen Lix Nin iyo qaraxyo ay wadeen.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in iminka lagu haayo Saldhiga degmada Wadajir isla markaana dhawaan loo sii gudbin doono Xarumaha kale ee laamaha amniga

Muqdisho 16ka Okoobar 2017 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caawa kormeer ku tagey goobihii ay ka dhaceen falkii argagixiso ee shalay. Wuxuna halkaasi kula hadlay Ciidamadda Qaranka ee ka qeyb qaatay gurmadkii loo sameeyey dadkii ay ku dhacday musiibadu.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Ciidanka sida dhiiran ee ay u caawiyeen shacabkooda, dawladduna aysan hilmaami doonin doorkooda qiimaha badan iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday xarunta Gurmadka Qaran, halkaas oo ka socdaan howllo baaxad leh oo lagu caawinayo dadka ay dhibaatadu soo gaartay.

Muqdisho 16ka Okoobar 2017 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caawa kormeer ku tagey goobihii ay ka dhaceen falkii argagixiso ee shalay. Wuxuna halkaasi kula hadlay Ciidamadda Qaranka ee ka qeyb qaatay gurmadkii loo sameeyey dadkii ay ku dhacday musiibadu.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Ciidanka sida dhiiran ee ay u caawiyeen shacabkooda, dawladduna aysan hilmaami doonin doorkooda qiimaha badan iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday xarunta Gurmadka Qaran, halkaas oo ka socdaan howllo baaxad leh oo lagu caawinayo dadka ay dhibaatadu soo gaartay.

https://www.youtube.com/watch?v=J3MHafKHEiI

WARARKA MAANTA 15ka Okoobar 2017 Sir Culus Yaa runta qarin kara?

Su’aalaha Maanta: Yaa ka dembeeyey qaraxii lagu dilay dad badan oo aan waxba galabsan? Mudane Madaxweyne Farmaajo, ma qarin kartaa musuqmaasuqa baahsan ee Dowladda aad madaxweynaha ka tahay? Maxuu qaban karaa Agaasimaha Madaxtooyadda Mr. Fahad Yasiin oo warbixintii ay ka qortay Qaramadda Midooway Guddigga U-qaabilsan Soomaaliya Iyo Eritrea ay ku caddeeyeen inuu yahay khaa’inul waddan musuqmaasuqiisa gaaray inuu dowladdo kale jaajuus u noqdo oo lacag ay soo dhiibeen si ay ugu lugooyaan dalka Soomaaliya ku maalgeliyey fowdada iyo qaska siyaasaddeed ee dalka ka taagan hadda asagoo weliba isku-dayaya inuu si xeelladaysan uga takhaluso maamulladda dowlad gobaleedyada ka jira dalka. Shaqsiga noocan ah ayaa raba asagoo aan ku quus qaadan Madaxweynihii hore ee uu meesha lacagta ku keenaya Mudane Xassan Shiikh Maxamuud inuu waxba dalka uga qaban waayey muddadii 4 sanno ee uu Ummadda Soomaaliyeed ka lumiyey, iyo Agaasimaha Madaxtooyadda Mr. Fahad Yasiin waxa uu hadda rabaa inuu sidii oo kale Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ka lumiyo hawlaha loo idmaday asagoo weli isticmaalayo dhaqaallo uu ka soo qaaday dowladda raba inaysan Soomaaliya dib cagaheeda isku taagin marka waxaan u mahadcelinaynaa sida hufan ee uu Wasiirka Warfaafinta Eng. Yariisoow u ogolaaday inay warbaahinta dalka Ummadda Soomaaliyeed ugu soo bandhigto dowladdan wada dadban ee uu shaqsiga noocaas ee ku caanbaxay musuqmaasuq baahsan inuu madax ka noqdo Xafiiska Madaxweynaha ayadoo ay Ummadda Soomaaliyeed si fiican u ogyihiin inuu Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo horay u ballanqaaday inuu la dagaalami doono musuqmaasuqa iyo dadka musuqmaasuqa lagu caddeeyo haddaba hadii ay Guddigga Qaramadda Midooway u qaabilsan Soomaaliya Iyo Eritrea ay si fiican warbixintooda ugu kashifeen musuqmaasuqa baahsan ee Agaasimaha Madaxtooyadda Mr. Fahad Yasiin maxaa mudane Madaxweyne Farmaajo u qaban karaa Ummadda Soomaaliyeed? Haddii aad shaqada ka cayrin weyso dadka lagu sheegaya musuqmaasuqa baahsan ee dowladda Soomaaliya hadda ka dhex shaqaynaya waxaanu kuu ballanqaadi doonaa inay Ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ay si toos iyo si dadbanba ay jari doonaan dhaqaallaha ay siiyaan Dowladda Soomaaliya oo muddadii ay hadda jirtay aan wax dhaqaallo ah la siin sababtoo ah dad musuqmaasuqa lagu soo caddeeyey ee ka dhex shaqaynaya si ay u sii wadaan lugooyadii ay Ummadda Soomaaliya iyo dalkoodba ku wadeen!

Muqdisho15ka Okoobar 2017 Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay 3 maalmood oo baroordiiq qaran ah oo loo sameynayo dadkii wax ku noqday qaraxii shalay ka dhacay isgoyska Zobe.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale amray in hoos loo dhigo calanka Soomaaliya.

“Weerarkaan waa musiibo qaran oo aan ku waynay muwaadiniin aan waxba galabsan. Sidaas darteed, waxa aan ku dhawaaqaaya sadex maalmood oo baroordiiq qaran ah, calankana hoos loo dhigo”ayuu yiri Farmaajo

Wali si rasmi ah looma ogga tirada ku dhimatay ama ku dhaawacantay,laakiin ilaha Caafimaadka waxa ay sheegayaan in ku dhawaad 40 qof ay dhinteen.

Mid ka mid ah ah xildhibaannada Soomaaliya ayaa VOA u sheegay in in kabadan 100 qof oo rayid u badan ay qaraxaasi ku dhinteen, boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen.

Magaalada Muqdisho Isbitaallada ku yaalla waxaa buux-dhaafiyay dhaawcyo badan oo la gaarsiiyay, waxayna saraakiisha caafimaadku ay dadka ka dalbadeen inay dhiig ku yaboohaan.

Muqdisho15ka Okoobar 2017 Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii  ka dhacay Isgooyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho.

R/wasaare kheyre, ayaa qaraxaasi ku tilmaamay mid Argagixisinimo, isagoo xusay in falkaan uu muujinayo Arxan darrada Al-shabaab, waxaana uu tilmaamay in dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay ay ahaayeen shacab waxba aan galabsan.

Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre, ayaa sheegay in Ciidamada amaanka iyo maamulka Gobolka banaadir ay gurmad baaxad leh ay u sameeyeen dadkii qaraxa ku waxyeeloobay, dadka soomaaliyeed ayuuna ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan gurmadka socda.

Sidoo kale Wasiirka Amniga Qaranka, Wasiirka Warfaafinta, Guddoomiyaha Gobolka banaadir iyo masuuliyiin kale ayaa cambaareeyey qaraxa dadka badan ay ku waxyeeloobeen oo Alshabaab ay ka geeysteen Magaaladda Muqdisho, iyagoo Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay kaalin ka qaataan gurmadka loo fidinayo Dadka ay waxyeelada soo gaartay.

Muqdisho15ka Okoobar 2017 War laga soo saaray Safaaradda Dowladda Turkiga ee Muqdisho ayaa lagu cambaareeyay qaraxii xooganaa ee shalay galab ka dhacay  Magaaladda Muqdisho kaasi oo laayay dad shacab ahaa.

Dowladda Turky-ga ayaa Tacsi u dirtay Eheladda dadkii ku dhintay qaraxaas,waxayna Caafimaad u rajeysay dadkii ku dhaawacmay weerarkii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale dowladda Turkiga waxaa ay sheegtay in ay garabtaagan tahay shacabka Soomaaliyeed islamarkaana ay dowladda Soomaaliya ka caawineyso sidii looga adkaan lahaa waxa loogu yeero argagixisada.

Sidoo kale warka kasoo baxay Dowladda turkey-ga ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Somaliya ay horumar fiican ka sameysay amniga iyo xasiloonida bilihii la soo dhaafay,islamarkaan horumar dhinac dowladnimada ah ay gaartay Soomaaliya.

In ka badan 40-ruux oo shacab ahaa ayaa ku dhintay 160-kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari xamuul siday uu ku qarxay isgoyska Zoobe ee Magaaladda muqdisho.

OIC 15ka Okoobar 2017 Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Yuusuf Bin Axmed Cuthaymayn waxa uu si kulul u cambaareeyey Qaraxaasi oo ay 32 qof ku geeriyootay, kuna dhaawacmeen tiro kald.

Waxa uu sheegay inay Tacsi u dirayaan Dowladda Somalia iyo qoyaska ay dadka kaga geeriyoodeen Qaraxaasi, wuxuuna xusay in dad rayid ah lagu dilay qaraxasi.

Dhinaca kale, Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Michael Keating ayaa sheegay inay QM cambaaraynayso qaraxyadii shalay ka dhacay magaalladda Muqdisho.

qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay ayuu ku sheegay in Hawlgalka QM ee Somalia (UNSOM) cambaaraynayaan qaraxyadda lala begsado dadka rayidka ee ku nool Muqdisho, waa sida uu hadalka u yiri.

Waxa kale oo uu sheegay inuu ka argagaxay Qaraxyadaasi, wuxuuna Tacsi u diray Ehelladda dadkii shalay ku geeriyoday Qaraxyadaasi.

Dhinaca kale, Hadal=qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka waxay cambaarsay Qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho, waxaynta u tacsideyeen Qoysaskii ay dadka uga geeriyodoeen qaraxaasi.

Muqdisho15ka Okoobar 2017 Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey oo maalmihii dambe ku sugnaa dalalka Zambia, iyo kenya islamarkaana dib ugu laabtay Puntland ayaa ka warbixiyay socdaalkiisa, arrimo la xariiray mowqifkiisa shirkii  MagaaladdaKismaayo iyo qaabka warbaahintu utabisay warar sheegayay inuu taageero lacageed ka helay xukuumadda Federaalka Soomaliya.

Eng Camey oo saxaafadda kula hadlayay Magaaladda  Garoowe, ayaa beeniyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay siisay lacag xilli uu sii maray Muqdisho kahor intuusan tagin magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya .

“Waxyaabo faro badan bay ila tahay ayaa miidiyadu sheeg sheegaysay, waxaan cadaynayaaa inaysan jirin cid aan kula kulmay Xamar sii socodkii iyo soo socodkii, lacag la i siiyay oo markaa uga baahnaa dowladda Federaalka Soomaaliyana inaysan jirin,” Ayuu yiri Camey.

Camey ayaa sidoo kale beeniyay inu aqoon u leeyahay Fahad Yaasiin

Muqdisho15ka Okoobar 2017 Ugu yaraan 20 qof meydkooda ayaa saaka laga soo saaray dhismayaasha ka agdhow Isgoyska Zoobbe ee Magaalada Muqdisho halkaas oo shalay uu ka qaraxay gaari xamuul siday.

Dadka saaka la soo saaray waxaa ka mid ah dad dhaawac ah iyada oo wali ay socdaan gurmadka loo fidinayo dadka laga soo saarayo dhismayaasha bur buray hoostooda Isgoyska Zoobbe ee Magaalada Muqdisho.

Dhimashada ayaa hadda lagu qiyaasayaa 60 Qof iyada oo 150 ka badanyahay dhaawaca.

Dadka ku dhintay weerarkaas waxaa ka mid ah 4Wiil oo walaalo ah,Gabar ka qalin jebisay kuliyadda Caafimaadka oo ay 6 Sano baraneysay islamarkaana aabbaheed uu dibadda uga yimid sidii uu maanta uga qeyb geli lahaa qalin jebinta Gabadhiisa.

Sidoo kale waxaa ku jira Wiil ka yimid Dalka Mareykanka oo 4 saacadood oo kaliya joogay Magaaladda Muqdisho,kaas oo Hotelkii uu degganaa Qaraxa haleelay.

Muqdisho15ka Okoobar 2017 Xafiiska Tayo dhowrka ee Baarista Badecadaha soo gala Deegaanada Puntland ayaa kusoo bandhigay Dekadda Magaalada Boosaaso Raashin Waqtigoodii dhaafay oo loogu tala galay in ay Cunaan Xooluhu.

Badeecadda Dhacday ee gacanta lagu dhigay ayaa la sheegay  ay uu leeyahay Kampany caan ka ah deeganada Maamulka Puntland.

Raashinkan Waqtigoodu dhaafay ay qabatay Xarunta tayo dhowrka ayaa dhacsanaa mudo ku dhow 8 Bilood waxaa sido kale baritaan lagu sameyay lagu ogaday Ceeshkan inaysan Xoolohu Cuni karin ayna ku waxyelowayaan.

Dekadda Boosaaso oo lagu soo bandhigay Raashinkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha qaybta Gobalka Bari Maamulka Gobalka Madaxda Xarunta Tayo Dhowrka, inkastoo goobta iyo Masuuliyiin kale.

Salaad Maxamuud Aadan oo ka mida Madaxda ugu Sareysa Xarunta Tayo Dhowrka oo ugu horan ka hadlay goobta waxa uu sharaxaad ka bixiyey qaabka ay Raashinkan u qabteen iyo baritaanke mariyeen.

Dhanka kale Taliyaha Qaybta Gobalka Bari Cabdixakiin Xussen Yuusuf Ayaa Digniin U Diray Ganacsatada Keensata Badecadaha Waqtigoodu Dhaafeen waxana uu sheegay in shrciga lala tiigsan  doono  cid kasta oo ku hawlan soo galinta raashinka dhaca Puntland.

Gudomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Gobalka Bari Axmed Xaaji Maxamuud Waxa Uu Shegay Inay Ka Hortagayaan Dadka Raba Inay Dalka Soo Galiyaan Badeecad Waqtgeedu Dhaaftay.

Dowlad Gobaleedka Jubbaland 15ka Okoobar 2017 Madaxweynaha maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa dhamaan umadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay Qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa weerarka ku tilmaamay mid argagixiso oo naxdin leh kaas oo lagu xasuuqay dad rayid ahaa oo aan waxba galabsan.

Waxaa uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan Hay’addaha Ammaanka, Maadaama uu sheegay maalin kaste in ay dhimanayaan dad Shacab ah.

Xukuumadda Soomaaliya ayuu ka dalbaday in ay Amniga wax ka qabato,Maadaama aysan jirin cid la xukumi doono hadii ay dadku dhamaadaan.

Muqdisho15ka Okoobar 2017 Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keatig ayaa si kulul uga hadlay Qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Soobe ee Muqdisho.

Danjire Micheal Keatig ayaa weerarka ku tilmaamay mid argagixiso oo naxdin leh kaas oo lagu xasuuqay dad rayid ahaa oo aan waxba galabsan.

“Waxaan cambaareynayaa weerarki argagixiso ee naxdinta lahaa , kaas oo lagu beegsaday dad rayid ah oo aan waxba galabsan, weerarkaas oo ay ka dhalatay khasaaro baaxad weyn. Xeeladaha aan kala sooca lahayn ee lala beegsanaayo dadka Soomaaliyeed waa fal naxariis darro ah waana dembi mudan in la cambaareeyo.” ayuu yiri Keating.

Wuxuu ammaan u jeediyay shaqaalaha hay’adaha amniga iyo caafimaadka gurmadkii degdegga ahaa ee ay u fidiyeen dadkii ku waxyeelloobay qaraxa isaga oo soo jeediyay in caddaaladda la hor geeyo dadkii ka dambeeyay Qaraxaasi.

“Waxaan sii xoojineynaa taagerada aan ku taageereyno dadka Soomaaliyeed sida ay uga shaqeynaayaan xaqiijinta rajadooda ku aadan mustaqbal xasilooni iyo nabad ay ku dheehantahay.” ayuu raaciyay.

Micheal Keating ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo saaxiibada dhammaan dadkii dhibku ka soo gaaray Qaraxii shalay.

Shalay ayay aheyd Markii Qarax loo adeegsaday Gaari uu ka dhacay Isgoyska Soobe ayna ku dhinteen dad ka badan 40 qof tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

https://www.youtube.com/watch?v=J3MHafKHEiI

WARARKA MAANTA 14ka Okoobar 2017 Sir Culus Yaa runta qarin kara?

Su’aalaha Maanta: Maxuu qaban karaa Agaasimaha Madaxtooyadda Mr. Fahad Yasiin oo warbixintii ay ka qortay Qaramadda Midooway Guddigga U-qaabilsan Soomaaliya Iyo Eritrea ay ku caddeeyeen inuu yahay khaa’inul waddan musuqmaasuqiisa gaaray inuu dowladdo kale jaajuus u noqdo oo lacag ay soo dhiibeen si ay ugu lugooyaan dalka Soomaaliya ku maalgeliyey fowdada iyo qaska siyaasaddeed ee dalka ka taagan hadda asagoo weliba isku-dayaya inuu si xeelladaysan uga takhaluso maamulladda dowlad gobaleedyada ka jira dalka. Shaqsiga noocan ah ayaa raba asagoo aan ku quus qaadan Madaxweynihii hore ee uu meesha lacagta ku keenaya Mudane Xassan Shiikh Maxamuud inuu waxba dalka uga qaban waayey muddadii 4 sanno ee uu Ummadda Soomaaliyeed ka lumiyey, iyo Agaasimaha Madaxtooyadda Mr. Fahad Yasiin waxa uu hadda rabaa inuu sidii oo kale Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ka lumiyo hawlaha loo idmaday asagoo weli isticmaalayo dhaqaallo uu ka soo qaaday dowladda raba inaysan Soomaaliya dib cagaheeda isku taagin marka waxaan u mahadcelinaynaa sida hufan ee uu Wasiirka Warfaafinta Eng. Yariisoow u ogolaaday inay warbaahinta dalka Ummadda Soomaaliyeed ugu soo bandhigto dowladdan wada dadban ee uu shaqsiga noocaas ee ku caanbaxay musuqmaasuq baahsan inuu madax ka noqdo Xafiiska Madaxweynaha ayadoo ay Ummadda Soomaaliyeed si fiican u ogyihiin inuu Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo horay u ballanqaaday inuu la dagaalami doono musuqmaasuqa iyo dadka musuqmaasuqa lagu caddeeyo haddaba hadii ay Guddigga Qaramadda Midooway u qaabilsan Soomaaliya Iyo Eritrea ay si fiican warbixintooda ugu kashifeen musuqmaasuqa baahsan ee Agaasimaha Madaxtooyadda Mr. Fahad Yasiin maxaa mudane Madaxweyne Farmaajo u qaban karaa Ummadda Soomaaliyeed? Haddii aad shaqada ka cayrin weyso dadka lagu sheegaya musuqmaasuqa baahsan ee dowladda Soomaaliya hadda ka dhex shaqaynaya waxaanu kuu ballanqaadi doonaa inay Ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ay si toos iyo si dadbanba ay jari doonaan dhaqaallaha ay siiyaan Dowladda Soomaaliya oo muddadii ay hadda jirtay aan wax dhaqaallo ah la siin sababtoo ah dad musuqmaasuqa lagu soo caddeeyey ee ka dhex shaqaynaya si ay u sii wadaan lugooyadii ay Ummadda Soomaaliya iyo dalkoodba ku wadeen!

Muqdisho 14ka Okoobar 2017 Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Maanta lagu wadaa in ay ku kulmaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa la sheegay in ay Maanta Cod u qaadi doonaan Heshiiska Isdhaafsiga Maxaabiista Dalalka Soomaaliya iyo India.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaan Maalmahaan aan kulan yeelan,waxaana Kulankii ugu dambeeyay uu ahaa mid u baaqday Kooram la’aan,islamarkaana wixii ka dambeeyay aysan kulan yeelan.

Ammaanka Xarunta Golaha Shacabka ayaa saakay si weyn loo adkeeyay,waxaana Ammaanka Xarunta sugaya Ciidamada Booliska Soomaaliya kuwooda Ilaaliya Kulamada Baarlamaanka Soomaaliya.

Muqdisho 14ka Okoobar 2017 Cumar  Cabdirashiid Cali Sharmaake  oo  dalka Soomaaliya ka soo noqday laba  mar Ra iisal  wasaare  hadana ah  xildhibaan  Aqalka sare

Cumar ayaa  horay xili  uu ahaa Ra iisa’  wasaare   iibsaday Badda  Soomaliya qeyb ka mld ah ka iibiyeye Dalka Kenya   isagoona  hada dalaal. Ka ah iibinta dhulka  Soomaliya.

Cumar Cabdirashiid  ayaa. Hada  dowlada Emaraadka  hub  la geenaayo  maamul  goboleeyada gadoosan  ‘loo  geynaayo ayaa qandaraaaskaas  uu qatay iyadoona dhawaan hub keeni doono    Kismaanyo:’ Garoowe.’Cadaado iyo Baydhabo. Iyadoona hubkaas.  Lagula dagaalami doono  Dowlada Federaalka  Soomaliya

Dhanka kale Cumar Cabdirashiid ayaa wado.  Qorsho kale  oo  looga hortagaayo Dastuurka Cusub ee la doonaayo  in dhawaan la hirgaliyo waxaase isweydiin mudane  in dastuurka in dalka Soomaliya laga hir galinaayo. Uu  ku  diidan yahay xi’i  caruurta uu dhalay  ay dastuur dalka Kanada  kuna heleen  xaquuq  badan xili caruurta  Soomaliya   uu hortaagan yahay  oo. U baahan  in ay helaan Dastuur  soo celiyo xaquuqda ay dalkooda ku  helaan

Maamulka Somaliland Okoobar 2017 Maalmihii u dambeeyay Magaalada Hargeysa waxaa kusoo kordhay dad gubaayay Gaadiidka ay raacaan dadweynaha ee ka shaqeeya Magaalada Hargeysa.

Ciidamada Booliska maamulka Somaliland ayaa howlgallo ay sameeyeen ku guuleysteen in ay gacanta kusoo dhigaan qaar ka mid ah dadkii falkaasi ku kacay.

Afhayeenka ciidamada Booliska Somaliland Faysal Xiis oo Saxaafadda kula hadlay Hargeysa waxaa uu sheegay in ciidamada Ammaanka ay soo qabteen 9 ruux oo falkaasi qaarkood ay ku guda jireen xilliyadii la qabaanayay.

Waxaa uu sheegay in ay baaris weyn ay ku sameyn doonaan dadkii falkaasi ka dambeeyay hadda gacanta ugu jira ciidamada Ammaanka.

Hadalka kasoo baxay ciidamada Booliska Somaliland ayaa kusoo beegmaya xilli dadka Shacabka ah ay cabasho ka muujinayay maalmihii lasoo dhaafay dadka gubaaya Gaadiidka dadweynaha.

Iraan 14ka Okoobar 2017 Madaxweynaha Iran, Xasan Ruuxaani, ayaa su’aal geliyey hadalkii Madaxweyne Trump ee ahaa in aanu ku qancayn dhaqan galka heshiiskii ay dhawrka dal iyo Iran wada saxeexdeen.

Isaga oo hadal ka jeedinaya Telefishanka Iran, ayaa hogaamiyaha Iran yidhi Madaxweyne Trump wuxu doonayey in Congress-ka Maraykanku qodobo cusub ku daraan heshiiskaa, isaga oon dhaadanayn in aan mar hadii la saxeexay waxba lagu darin karin lagana bedeli karin.

Ruuxaani wuxu sheegay in Iran heshiiskaa nukliyeerka u aragto mid dhinacyo badani ku heshiiyeen isla markaana ay dhaqan gelin doonto ilaa inta ay dalalkaa kalena inta ka khusaysa heshiiska dhaqan gelintiisa wadaan.

Waxa kale oo uu sheegay in Iran aanay marnaba u liici doonin cadaadiska iyo colaadda Trump, balse ay sii laban laabi doonto kartideeda gaashaan dhigga

Maraykanka 14ka Okoobar 2017 Madaxweyne Trump ayaa sheegay in aanu ku qancayn in Iran dhaqan gelisay heshiiskii caalamiga ahaa ee nukliyeerka ee la saxeexay 2015-ki, in kasta oo aanay afkiisa ka soo bixin in uu gebi ahaan ba laalayo heshiiskaa.

Trump wuxu sheegay in Iran marar badan ku xad gudubtay heshiiskaa xadidayey barnaamijkeeda nukliyeerka, waxaanu sheegay in uu kala shaqayn doono Congress-ka iyo xulufada Maraykanka sidii loo guffayn lahaa gol daloolooyinka badan ee heshiiskaasi leeyahay.

Hadii taasi suurto geli weydana wuxu sheegay in uu awoodiisa madaxweyne u adeegsan doono sidii gebi ahaanba Maraykanku uga bixi lahaa heshiiskaa.

Trump waxa uu ballan qaaday in aanay Iran u suurto gelin doonin in ay hub nukliyeer ah samaysato, waxaanu heshiiska ku tilmaamay kii ugu xumaa ee weligii Maraykanku galo.

Garoowe 14ka Okoobar 2017 Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Ee Maamul Gobolledka Puntland Cumar C/llaahi Faraweyne oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in Puntland aysan Xir xirin Siyaasiin islamarkaana Dadka lagu Xir xiray Garoowe ay yihiin Koox isku Magacowday Badbaadinta Puntland oo ka horyimid sida uu sheegay Dastuurka Maamul Gobolleedka Puntland. Guddoomiyaha Gobolka Nugaal ayaa Xusay in gacan bir ah lagu qaban doono Cidwalba oo dhibaato ku ah Jiritaanka Maamul Gobolleedka Puntland

Midhiteeriyaan 14ka Okoobar 2017 Markab kuwa wax badbaadiya ayaa soo samata bixiyay in ka badan 200 oo tahriibayaal ah kuwaa oo caruur ay kamid yihiin iyagoo ku socdaalayay biyaha badda Madetereanina-ka.

Maraakiibta  waxbadbaadiya ee looyaqaano Aquarus oo ay la howlgalayeen ururada caafimaadka ee SOS Iyo dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn ee MSF ayaa sheegay in muhaajiriintan ay ka yimaadeen 15 dal oo dhaca qaaradda Africa oo Soomaaliya ay kamid tahay.

Tahriibayaashan aya la sheegay in ay ku socdaalayeen doon baco ka sameysan iyadoona dadka tahriibayay ay kamid yihiin haween uur leh iyo labo caruur sagaal bilood jir ah sida ay sheegeen ururka lamagac baxay badbaadada Madeteranian-ka Ee SOS.

Muhaajiriintan oo la geeyay dalka talyaaniga ayaa ka yimid dalalka Somalia Benin, Eritrea, Ethiopia, Nigeria, Syria and Yemen.

WARARKA MAANTA 13ka Okoobar 2017 Sir Culus Yaa runta qarin kara?

Su’aalaha Maanta: Maxay tahay sababta uu u kashifay Wasiirka Warfaafinta Eng. Yariisoow inuu Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre la casilayo kadib markii uu ku guuldarraystay inay hoggaamin wax tar leh ay xukuumaddiisa samayn weysay ayadoo la qiray inay si khaldan oo xaqiiqada ka for uu ay dhowr jeer u kala hadleen tiro wasiiro ah oo ka tirsan xukuummadda haatan dhacday oo ay Wasiiro kuwii ugu fiicnaaa ay si xor ah iskaga casileen jaggadii Wasaaradda Gaashaandhiga Wasiirk Cabdirashiid Cabdilaahi Maxamed Iyo Taliyihii Ciidanka Xoogga Janaraal Cirfiid? Wasiirka Warfaafinta Eng. Yariisoow oo ku amray shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta inay qariyaan musuqmaasuqa baahsan ee ay golaha wasiiradda ka dhex samaynayaan gudaha dalka iyo dibaddaba inta aan la hirgelin Hay’adda Guddigga Garsoorka Qaranka Iyo Hay’adda La Dagaalanka Musuqmaasuqa. Wasiirka Warfaafinta Eng. Yariisoow oo caddeeyey inuu khalad weyn ka galay Ummadda Soomaaliyeed markii uu Ururka Dib-u Xoraynta Soomaali Galbeed uu si khaldan ugu magacaabay inay yihiin Urur Argagixiso taasoo uu sheegay inuu ahaa amar uu ka dembeeyey Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre oo toddobaadka soo socda is-casili rabo kadib markii uu xaqiiqsaday inay Ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ay muddo 8 billood ah wax dhaqaallo iyo taageero u fidin waayeen Dowladda Soomaaliya oo musuqmaasuqeeda xitaa isku-dayday inay burburiso maamul gobaleedyadda iyo madaxweynayaasha ka soo horjeeda khaladaadka ay Dowladda ku kacayso asagoo u caddeeyey inay dowladda shirqoolayso madaxweynayaasha dowlad Gobaleedyada ka soo horjeeda sida aya dowladda wax u wada!

Muqdisho 13ka Okoobar 2017 Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Maanta Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Jen C/xakiin Daahir Saciid Saacid Kala Wareegay Gawaari Loogu Talo galay in ay ku shaqeeyaan Ciidanka Boliiska Dowlad Goboleedka Hirshabelle, gawaaridaasi oo qeyb ka ah gaadiidka Taliska Boliiska Soomaaliyeed oo uu ugu talo galay in lagu wareejiyo dowlad goboleedyada Dalka ka jira.

Munaasabad ka dhacday Xarunta Dugsiga Tababarka Jen Kaahiye ee magaalada Muqdisho ayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayuu furaha gawaaridaasi oo ah 6 Baabuur oo casri ah kula wareegay.  iyadoo Madaxweynaha Munaasabadaasi ay ku wehlinayeen Madaxweyne Ku Xigeenka  Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe Xubno ka tirsan Labada Gole ee Dowlad Goboleedka, Taliyaha Ciidanka Boliiska Hirshabelle Cor Xasan Dhicisow iyo Saraakiisha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Jen C/xakiin Daahir Saciid Saacid oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in gawaaridaan ay ugu talo galeen in ay ku shaqeeyaan Ciidanka Boliiska Hirshabelle oo loogu qidmeeyo Bulshada, horeyna ay sidaan oo kale ay u siiyeen Maamulada kale, waxaana uu sheegay in markii hore ay ka heleen Saaxiibada caalamka oo kaalma ahaan loo siiyay Soomaaliya, waxaana uu xusay in markasta ay ka go’antahay ka talis ahaan kaalmada ay helaan in dhamaan la gaarsiiyo dowlad Goboleedyada.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa isna dhankiisa ka mahadceliyay Gaadiidka la siiyay Dowlad Goboleedka, waxaana uu sheegay in loogu qidmeyn doono bulshada Soomaaliyeed oo amnigooda laga sugi islamarkaana ay ku shaqeyn doonaan Ciidamada Ammaanka.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho kaddib booqasho maalmihii la soo dhaafay uu ku joogay Magaalada Ki

Cadaado 13ka Okoobar 2017 Ilaa Shalay geleinkii dambe  waxaa Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG,ka ah ee Maamulka Galmudug waxaa ka bilaawday wadahadalo u dhaxeeya Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ku xigeenkiisa iyo sidoo kale gudoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen.

Xildhibaan Caasho Maxamuud Warsame Beyraqo  ayaa sheegtay in wadahadaladaas ay yihiin kuwo Gooni Gooni ah kuwaas oo ka socda Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magaaladaa Cadaado.

Waxa ay sheegtay in ay rajo wnaagsan ka qabto in khilaafka u dhaxeeya Madaxda Galmudug ay xal ka gaari doonaan, maadaama haatan si iskood ah ay u wada kulmayaan.

Waxa ay hadalkeeda ay intaas ku dartay in mudanayaasha Baarlamaanka Galmudug ay labada dhinac u kala safteen taas oo ah mid aan wanaagsaneyn isla markaana isla xisaabtan uu jiri doono.

Xaaf ayaa horay u sheegay in Maamulkiisa ay faragelin ku hayaan Madax ka tirsan xukuumadda Soomaaliya balse ay xildhibaanada qarkood sheegeen in ay xilkii ka qaadeen walow uu weli sheegayo in uu yahay Madaxweynaha Galmudug.

Turkiga 13ka Okoobar 2017 Ciidamada Amaanka Turkiga ayaa khamiistii shalay gacanta ku dhigay 226-Qof oo doonayay in si sharci-daro ah uga tahriibaan dalkaasi ka dib howlgal ay ciidamada ka sameeyeen gobollo dhowr ah,sida ay saraakiisha Ciidanka sheegeen.

Gobolka Waqooyi galbeed ee Edirne ayay ciidamada amaanka ku qabteen 109-tahriibayaal sharci-daro ah oo xilligaasi ku sii jeeday dalalka Gariiga iyo Bulgaria,sidaasi waxaa wakaalada wararka Turkiga Anadolu  u sheegay Sarkaal sare oo diiday in la magacaabo sababo amaan dartood.

Tuhmanayaasha la qabtay ayaa ka soo kala jeeda dalalka Syrian, Afghan, iyo Iran sida ay ku waramayaan ilaha xogtaan laga helayo.

Sidoo kale,howlgal ay ciidamada amaanka Turkiga ay ka sameeyeen degmada Edirne’s Ipsala ayaa waxay  ku soo xireen 14-Qof tahriibayaal sharci-daro ah,kuwaasi oo iyagoo baxsad ah la soo qabtay.

Ciidamada Amaanka ayaa ogaaday in muhaajiriinta ay gacanta ku dhigeen yihiin dad asal ahaan ka soo jeedo dalka Bakistaan,kuwaas oo doonayay iney gaaraan dalka Gariiga ka dibna dalalka kale ee Yurub kaga sii gudbaan.

Magaalada Soke ee Gobolka Aydin ayaa Sidoo kale lagu soo waramayaa in Ciidamada Booliska ay ku qabteen 40-Muhaajiriin oo lagu soo raray gaari xamuul ah,sida ay Saraakiisha Ciidamada ay xaqiijiyeen.

Wadaha gaariga ayaa cagahiisa kaga baxsaday Booliska ka dib markii uu arkay inuu ku socdo wado booliska bar-kontarool ku leeyihiin.

Midowga Yurub ayaa dadaal ugu jira sidii uu ula tacaali lahaa tahriibayaasha faraha badan ee ku sii qul qulaya dalalka Yurub.

Dowlad Gobaleedka Somaliland 13ka Okoobar 2017 Magaalada laas-Caanood ee Xarunta gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Maamulka Soomaaliland uu geeyay ciidamada aad u farabadan.

Ciidamada oo isugu jira Booliis iyo Milateri ayaa xalay lagu arkay Xaafadaha Waaweyn ee Magaalada laas-Caanood kuwaas oo ilaa Maanta dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wada duleedka Magaalada laas-Caanood.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Soomaalilan ayaa waxa ay Warbaahinta u sheegeen in ay dareemeen dhaqdhaqaaqyo ciidan oo dhankooda ay wadaan kuwa Maamulka Khaatuma garabka Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Khaatuma.

Xiisadaas ayaa Maanta laga dareemayaa gudaha magaalaa laas-Caanood, waxaana dadka qaarkood ay sheegeen in ay cabsi soo wajahday.

Saraakiisha ayaa waxa ay sidoo kale sheegeen in Maamulka khaatuma uu ciidamo usoo daabulay deegaano ka tirsan Gobolka Sool iyaga oo ka soo horjeedo doorashada Maamulka Soomaaliland sida uu hadalka u dhigeen.

Shabeelle Hoose 13ka Okoobar 2017 Gudoomiye ku xigeenka Maamulka  Gobalka Shabeelaha hoose cabdi fatax xaaji cabdulle  ayaa waxaa uu sheegay in kooxo burcad ah ay ku soo bateen maalmihii la soo dhaafay deegaano ka tirsan Gobalka Shabeelaha hoose.

Cabdi Fatax ayaa waxaa uu Shaaca ka qaaday in kooxahan ay dhibaatooyin badan ay ku geystaan Gaadiidka u safra inta u dhexeysa Degmooyinka Walaweyn iyo degmada afgooye oo kawada Tirsan Gobalka Shabeelaha.

Gudoomiyuhu waxaa uu Sheegay in kooxdan burcad ah ay bilaabeen inay kufsi,jir dil iyo lacag baad ah ay ka qaadaan gaadiidka u safray deegaanada gobalka,tasina uu sheegay in marnabada aysan maamulka u dulqaadan doonaan,isagoona hadalkiisa intaasi ku daray Tilaabo cad ah laga qaadi doono.

Sidoo kale Gudoomiye ku xigeenka  ayaa waxaa uu Xusay in 10 qof  ay yihiin kooxahan dhibaatada geysanaya,balse loo baahan yahay in gacanta lagu soo dhigay,Waxaa uuna Sheegay in dhawaan ciidamada Amaanka Gobalka Ay gacan bir ah ku qaban doonaan kooxahaasi maleeshiyaadka ah ee dhibaateeya Dadka Rayidka ah.

Deegaanada ka Tirsan Gobalka Shabeelaha hoose ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilal iyo dhibaatooyin kale oo ay geystaan maleeshiyaad aan Heebtooda la aqoon,iyadoona Maamulka Gobalka uu marar badan ku cel-celiyay in Arimaasi wax badan laga qaban Doono.

Dowlad Gobaleedk Koonfur Galbeed 13ka Okoobar 2017 Shariif Xasan Sheekh Aadan  Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in dhawaan ay sameyn doonaan qorsho Al-shabaab looga saari degaanada uu ka taliyo maamulkaas.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa waxaa uu Shaaca ka qaadaan in duulaan ay ku qaadio doonaan Dagaalamayaasha Al-Shabaab ee ku sugan deegaanada Maamulka koofur galbeed,islamarkaana dhawaan halkaas ay ka saari doonaan.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxaa uu sheegay in Ciidamada AMISOM ay qeyb ka yihiin Howlgalada lagula dagaalamayo ururka Al-Shabaab.

Shariif Xasan ayaa waxaa uu soo hadal qaaday Shirkii lagu soo gabagabeeyay Magaalada kismaayo ee Xarunta gobalka jubada hoose waxaa uuna sheegay Madaxdii Maamul Goboleedyada ee isugu tagtay Kismaayo in ay isla garteen sidii Dagaal mideysan loola geli lahaa Dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Maamulka Koofur galbeed ayaa wado dadaalo looga saaro deegaanada ay ku sugan yihiin Dagaalamayaasha Al-Shabaab oo inta badan Dhibaato ku hayo Shacabka ku nool deegaanada uu ka Taliyo Maamulkaas.

California 13ka Okoobar 2017 Shaqaalaha dab damiska oo la daalaa dhacaya xakamaynta dabka ka kacaya deegaanka Santa Rosa

Tirada dadka la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dabka ka kacay waqooyiga California ayaa gaartay 31 ruux, iyada oo saraakiishu ay ka digayaan in xaaladdu ay ka sii dari karto.

Boqolaal dad ah ayaa wali la la’yahay ka dib markii ay kaceen 22 dab oo xoog badan.

In kabadan 8,000 oo shaqaalaha dab damiska ah ayaa isku dayaya in ay xakameeyaan dabka.

Dabkan kaymaha ka soo billawday ayaa burburiyay 3,500 oo dhisme iyo 68,800 hektar oo dhul ah, waxaana ku barakacay 25,000 oo ruux.

Maxaabiista ayaa loogu yeeray in ay gacan ka gaystaan daminta dabka Toddobo iyo toban ruux ayaa hadda la xaqiijiyay in ay ku dhinteen deeganka Sonoma, deegaanka Mendocino waxaa ku dhintay siddeed ruux, halka afar ruux ay kaga dhinteen deegaanka Yuba, iyadoo labo kalana la xaqiijiyay in ay ku dhinteen deegaanka Napa.

Dhimashadan cusub ee la soo sheegay ayaa dabkan kaymaha ka dhigaysa kii ugu xumaa ee California ka dhaca tan iyo 1933dii, markaas oo dab uu Los Angeles ku dilay 29 ruux.

Dabaylihii xoogga badnaa ee sii hurinayay dabka ayaa maalmahan dambe hoos u dhacay, laakiin waaxda saadaasha hawadu waxay ka digayaan in dabayshu ay dib u xoogaysan doonto habeennimada Jimcaha.

Wixii ka soo haray deegaanka Santa Rosa ee dabku burburiyay

Khariidadda hoose waxay muujinaysaa goobihii uu dabku ka sii kacayay 12 Oktoobar 2017 ee Waqooyiga California

Muqdisho 13ka Okoobar 2017 Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay is rasaaseyn waxa ay ku dhexmartay degmada Dharekeynley ee gobolka Banaadir, sida ay warbaahinta Risaala u sheegeen dadka degaanka.

Is rasaaseyntan ayaa waxa ay u dhaxeysay Ciidanka Xasilinta iyo Ciidamo kale oo galbinayay Gaadiid Aroos lagu waday, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad kooban, oo khasaare geystay.

Iska hor imaadkan ayaa yimid kadib markii Ciidanka Xasilinta oo halkaasi Howlgal ka waday ay ku amreen Ciidamada Arooska galbinayay in la baarayo gaadiidka ay wataan, si ammaanka loo xaqiijiyo, kadibna ay ka dhega adeegeen raggii hubeysnaa, sidaasina ay ku bilaabatay is rasaaseynta.

Inta la xaqiijiyay laba qof oo uu ka mid yahay wiilka Arooska ayaa dhaawac uu soo gaaray, kuwaasi oo loo qaaday goobaha caafimaad, sida ay inoo xaqiijiyeen dadka degaanka.

Ciidanka xasilinta oo xalay howlgal ka waday degmada Dharkeynley ayaa soo qab qabtay boqolaal dad ah, oo u badan dhalinyaro, waxaana dhacdadan aad u hadal hayaa shacabka ku nool degmadaasi.

Muqdisho 13ka Okoobar 2017 Xog-hayaha arimaha dibadda ee Maraykanka, Rex Tillerson, ayaa wadatashi la lahaa dhiggiia reer Yurub iyo Shiinaha ka hor inta aanay soo bixin warbixin laga filayo madaxweyne Trump oo ku saabsan heshiiskii nukliyeerka.

Af-hayeen u hadashay wasaaradda arimaha dibadda Maraykanka ayaa sheegtay in Tillerson madaxdaa uu la kulmay talo wadaag ula tagay oo uu soo jeedintoodana dhegaysanayo.

Waxa jira walaac mug leh oo ay xulufada Washington qabaan kaas oo ah in ay Trump odhan karo in aanu diyaarba u hayn in la meel mariyo heshiiskaas oo Iran ku aqbashay in ay hakiso barnaamijkeeda nukliyeerka, iyadana cunaqabataynta saaran badhkeed laga qaado.

Trump, ayaa se heshiiskaa ku tilmaamay mid ba’an oo xun, laakiin xulufadiisa iyo xubno ka tirsan maamulkiisu waxay sheegeen in ay Iran dhinaceeda ka fulisay heshiiskaa, waxaany isna ku boorinayeen in uu arinkaa uu damacsanyahay ka fiirsado.

Greek 13ka Okoobar 2017 Booliska gobolka Rhodes ee Waqooyiga dalka Giriiga ayaa xiray laba muwaadiniin oo reer Bulgarian ah oo lagu helay dambi ah in ay Tahriibinayeen 54 Muhaajiriin sharci darro ah, oo 52 ka mid ah ay yihiin Soomaali.

Labada nin oo Da’doodu tahay 38 iyo 36 ayaa lagu soo eedeeyay dambiyo ah in si sharci daro ay u Tahriibin jireen dadka, kadibna ay ka qaadan jireen lacago cadadooda ay badan tahay.

Booliska sidoo kale intii ay ku guda jireen howlgalkii raggan lagu soo qabanayay waxay kaloo gacanta ku sii dhigeen laba baabuur, 100 EURO oo lacag ah iyo Shan Telefoon oo gacanta ah.

Xeer ilaaliye ka tirsan Maxkamadda gobolka Rhodes ayaa codsaday in si deg deg ah raggan Maxkamad loo soo taago, si loogu qaado dambigii ay galeen, ciqaabtoodana ay u arkaan.

Sannadkan horraantiisa laba tuhmane, oo sidoo kale ka yimid Bulgaria, ayaa lagu xiray isla gobolkaas, kadib markii lagu helay dambiga ah ka ganacsiga dadka, markaas oo la qabtay 14 Tahriibayaal ah.

Muqdisho 13ka Okoobar 2017 Jeneral Cabdiweli Jaamac Gorod waxa uu ku dhashay magaaladda Muqdisho sanadkii 1950-kii, Iskuulka hoose dhexe waxa uu ka dhigtay dugsiga  Macalin Jaamac, Dugsiga sarena waxa uu ka gallay iskuulka farsamada  gacanta ee magaaladda Muqdisho.

General Gorod waxa uu ciidanka qortay 1966-dii,  Dalka Ruushka ayaa tababar loogu diray 1975-tii, waxuuna waxbarashada luuqada ruushka ka bilaabay magaalada Furanza ee dalkii la oran jiray Midowga Sofyeeti, 1977-dii waxa uu duulimaadka diyaaradaha ka bartay Akademiyada Karasnadaar ee dalka Ruushka .

Dalka ayuu dib ugu soo laabtay isagoo xidigle ah, Waxaana la geeyey xerada ciidanka cirka ee Balidoogle, 1980-kii waxa uu qaaday xidigii labaad waxaana loo badalay xeradii ciidanka cirka ee duleedka Magaaladda Kismaayo, halkaasoo uu ku bartay duulimaadyada diyaaradaha xamuulka ciidanka.

1984-tii waxa uu qaatay darajada sadax xidigle waxaana loo badalay magaaladda Hargeysa, Waxuuna berrigaasi duulin jiray diyaaradaha ciidanka ee loo yaqaano Biyaajo 160 oo  Talyaaniga lagu farsameeyo.

1988-dii waxaa lagu soo celiyey xerada ciidanka cirka ee Kismaayo, Seddex bilood ka dibna waxaa loo badalay Magaaladda Muqdisho, waxuu cilmi kororsi luuqadaha ah ka bilaabay machadkii la oran jiray OMC oo dowladda Maraykanka ay gacanta ku haysay, isagoo noqday gaashaanle sare,  gaashaanle sare isagoo ah ayayna burburtay dowladii dhexe.

Jeneral Gorod dowladdii Carte ee Cabdiqaasim Salaad ayuu ka noqday wasiirka dekadaha, Labo sano ayuuna hayay xilkaasi.

Jeneraalka waxuu dhalay siddeed caruur, Waxuuna degan yahay magaaladda London.

Turkiga 3ka Okoobar 2017 Wafdiga wasiirka oo booqanaya Turkiga kana koobnaa Wasiirka iyo Ganacsato Soomaaliyeed ayaa waxaa si diiran loogu Soo dhoweeyey Magaalooyinka Ankara iyo Antalya.

Masuuliyiinta ay la kulmeen ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Ganacsiga iyo canshuuraha ee dowlada Turkiga, Hay’adda Horumarinta ee TIKA, Wasaarada Waxbarashada iyo tan Arimaha Dibada ee dalkaas.

Wasiirka hawlaha Guud iyo dib u dhiska Soomaaliya ayaa kala hadlay Masuuliyiinta Dowlada Turkiga sidii ay gacan uga geysan lahaayeen dib u dhiska dalka.

Eng. Saadaq Abdullahi Wasiirka Hawlaha Guud, dib u Dhiska ayaa sheegay in dawladda Turkiga iyo hay’adaha shacabka Turkigu ay diyaar u yihiin inay Soomaaliya ka gacan siiyaan dib u kabashada dalka.

Wasiirka Ganacsiga iyo canshuuraha Turkiga ayaa sidoo kale xusey in mar walba ay garab taagnaan doonaan Shacabka Soomaaliyeed ilaa ay ka gaaraan awoodii ay lahaan jireen ee Qaarada Afrika iyo Mida dunida.

Sidoo Kale, Wasiirka ayaa ku dhiira geliyey Ganacsatada Turkiga inay Maalgeshi ku sameystaan Somalia taasoo ay aad u soo dhoweeyeen ganacsatada Dowlada Turkiga.

Waxaa la diyaariyey Guddigii shaqo ee fulinta Mashaariicda 10,000 (kun) guri ee laga dhisayo magaalada Muqdisho kuwaasoo goor dhow iman doona Somalia.

Inta uu ku sugan yahay dalka Turkiga waxaa uu Wasiirku sidoo kale la kulmi doonaa madax kala duwan oo ka tirsan hay’adaha Soomaaliya taageera ee Turkiga iyo mas’uuliyiinta Dowladda, kuwaasoo uu kala hadlayo sidii Wasaaraddiisa looga gacan siin lahaa gudashada Waajibaadka ka saaran dib u dhiska Soomaaliya.

Dowladda Turkiga oo ka mid ah Wadamada ugu horeeya ee taageerada la garab taagan Soomaaliya ayaa horey u balan qaaday inay Muqdisho ka dhisi doonto ilaa 10,000 kun oo guryo Casri ah taasoo ka qeyb qaadan doonta Horumarka Dhaqaale iyo Bilicsimada dalka Somalia.

Maraykanka Iyo Isreal 13ka Okoobar 2017 Maraykanka iyo Israel ayaa sheegay in ay ka baxayaan hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqanka ee UNESCO oo ay ku eedeeyeen waxa ay ku sheegeen in ay ka xagliso Israel.

Wasaaradda arimaha dibadda Maraykana ayaa sidoo kale waxay eedaha loo soo jeediyey ee ah in aanay muddo lix sanadood ah bixinin qaadhaankii ku waajibay ee ururkaa la siin jiray kaga jawaabay in sababta ay u joojisay tahay xubinnimada hay’addaa laga siiyey maamulka Falastiiniyiinta.

Ra’isal wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa ku tilmaamay go’aanka Maraykanka mid geesinimo leh isla markaana damiirka san waafaqsan.

Madaxa UNESCI, Irina Bokova, ayaa ka xumaatay go’aankaa, weriye ka tirsan BBC-duna wuxu sheegayaa in go’aankani tusaale u yahay dhaleecaynta madaxweyne Trump ku hayo qiyamka iyo dhaqaalaha dalkiisu siiyo hay’adaha Qaramada Midoobay.

WARARKA MAANTA 12ka Okoobar 2017 Sir Culus Yaa runta qarin kara?
Su’aalaha Maanta: Maxay tahay sababta ay isku cashileen Wasiirka Gaanshaandhigga Soomaaliya Cabdirashiid Cabdilaahi Maxamed Iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Janaraal Cirfiid? Maxuu umalaynaa Raysal Wasaarare Khaa’inul Waddan Mudane Xassan Cali Kheyre inuu Ummadda Soomaaliyeed ka qarin karo runta sida uu G/Dhexe Cabdikariim Qalbi-Dhagax ugu wareejiyey Itoobiya oo Soomaaliya weli qas ka dhex wada siyaasaddaysan iyo mid hubaysan? Mise waxuu umalaynayaa Raysal Wasaarare Khaa’inul Waddan Mudane Xassan Cali Kheyre ka qarin karo Ummadda Soomaaliyeed dembiga khaa/inul waddaninimo ee sida cad uu ula galay shirkadda Soma Oil and Gas oo uu agaasime ka soo noqday asagoo aqbalay inay $ 2 million oo magac-uyaal ah si saami ahaan ah loogu siiyo sidii uu si fudud ugu dhici lahaa khayraadka dameebiga ee Illaahay ku mannaystay Ummadda Soomaaliyeed? Mise waxuu qarin karaa sababtii ku kaliftay Safiirka Dalka Maraykanka Mudane Stephen Schwartz oo u adkaysan waayey khiyaanooyinka iyo la shaqaynta khaa’inul waddanimada ku dheehan tahay ee uu had iyo jeer ku kacayo Raysal Wasaarare Khaa’inul Waddan Mudane Xassan Cali Kheyre oo hadda xaqiiqsaday inay Ummada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka wax dhaqaallo ah siin doonin Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaminayo Raysal Wasaarare Khaa’inul Waddan Mudane Xassan Cali Kheyre. Yaa runta qarin kara? Meeqo ka tirsan Ururka Argagixisadda Al-Shabab ayaa hadda madax sare ka ah Dowladda Soomaaliya ee uu sida toos ka u fashilay khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre oo umaleeyey la shaqayntii hay’addaha gargaarka khibradeeda in lagu dabaqi karo hoggaaminta dowlad burbursanayd 27 sanno? Iscasil khaa’inul waddanyahoow inta aysan Ummadda Soomaaliyeed iyo labada gole tallo sax ah kaa qaadin oo aan laguu xirin dembiyadda khaa’inul waddanimada ee aad horay uga gashay dadka, diinta iyo dalka Soomaaliya!
Muqdisho 12ka Okoobar 2017 Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid C/laahi Maxamed iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen. Cirfiid ayaa is casilay, kadib kulankii maanta Golaha Wasiirada oo ay ku yeesheen Muqdisho, kaasi oo goor dhow soo gaba gaboobay.
Gen. Maxamed Axmed Jimcaale (Cirfiid) Taliyihii Ciidanka Xoogga dalka ayaa waxaa booskiisa loo magacaabay Gen. C/wali Jaamac Xuseen Gorod.
Taliyaha cusub ee loo magacaabay xilka ayaa ahaa Col. Pilot ah, xilligii dowladdii Siyaad Barre, sidoo kale waxaa uu Wasiirka Dekedaha ka noqday dowladdii TNG-da ee uu hoggaaminayay C/qaasim Salaad Xasan.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. yariisow) ayaa warbaahinta u sheegay labadan masuul in ay isku casileen arrimo shaqsiyadeed.
Muqdisho 12ka Okoobar 2017Qodobadii looga hadlay Maanta kulanka Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayay ka mid ahaayeen arrimaha dowlad Goboleedyada iyo shirkii dhawaan ugu soo gaba gaboobay magaalada kismaayo ee Xarunta gobolka jubbada hoose.
Wasiirka Warfaafinta oo qodobadii ka soo baxay kulanka Akhrinayay ayaa sheegay in Goluhu ay soo dhaweeyeen hadalkii baaqa ahaa ee uu u diray Madaxda dowlad Goboleedyada.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Xukuumadda Sooamaliya ay adkeyneyso xiriirka ay la leedahay dowlad Goboleedyada sidaas darteedna loo baahan yahay in ay Muqdisho yimaadaana madaxda dowlad Goboleedyada.
Muqdisho 12ka Okoobar 2017 War Goordhow naga soo gaaray degmada Dharkenley ee Gobolkan banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in qeybo ka mid ah degmadaas uu haatan dagaal ka socdo.
Dagaalka ayaa intiisa badan waxa uu ka socdaa Xaafada Xoosh, waxaana dadka degaanka ay sheegen in uu u dhaxeeyo Ciidamada xasilinta iyo ciidamo Booliis ah oo ku sugan Xaafada xoosh.
Dadka deegaanka qaarkood ayaa waxa ay sheegeen in xili Ciidamada xasilinta ay howlgalka wadeen ay maqleen dhawaqa rasaasta ilaa iyo hadana aysan xaqiijin Karin khasaaraha ka dhashay.
Afgooye 12ka Okoobar 2017 Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku soo qaaday fariisin Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Cumar Beyre oo ka tirsan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Weerarkaas kadib ayaa waxaa dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo kuwa Al-Shabaab waxana la sheegay in dagaalkaas ku dhintay qof Shacab ah ku Shaqeysan jiray Mooto Bajaajta.
Sidoo kale waxaa la sheegay in halkaasi laga kaxestay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya in kastoo Maamulka degmada Afgooye iyo Saraakiisha ciidamada aysan ka hadlin dagaalkaas.
Ururka Al-Shabaab ayaa marar badan weerar ku soo qaaday degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose halkaasi oo ay kula dagaalameen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Muqdisho 12ka Okoobar 2017 Kulanka 13-aad ee Guddiyada joogtada ah ee Golaha shacabka oo ka dhacay xarunta Guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha golaha shacabka ,waxaana ugu horeyn warbixin laga dhageystay guddoomiyeyaasha guddiyada, iyadoo guddiga horumarinta adeegga bulshada uu faah faahin ka bixiyay hindise sharciyeedyadda waxbarashada iyo caafimaadka.
sidoo kale guddiyada  garsoorka Awqaafta iyo arrimaha diinta  iyo sidoo kale warfaafina iyo isgaarsiinta ayaa laga dhageystay hindise sharciyeedyadda  la dagaalanka musuq maasuqa iyo Saxaafadda.
kulanka gudiyada joogtada ah ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay howlaha golaha horyaala iyo sidoo kale xilliga ugu habboon ee qorshe howleedka guddiyada la horgeynayo kulanka guud ee golaha shacabka sida uu  sheegay C/kariin Xaaji Cabdi Buux oo ah xoghayaha guud ee golaha shacabka.
Wargeyska The Sun 12ka Okoobar 2017 Wargeyska The Sun ee ka soo baxa magaalladda London ayaa maanta qoray in Haweeneydaasi oo lagu magacaabo – Sally Jones iyo wiilkeeda oo 13-jir ah lagu dilay duqeyn ay Drones Maraykanka bishii June ee sannadkan ka geysteen gudaha dalka Syria.
Haweeneydaasi oo Diinta Islaamka qaadatay, waxay Kooxda Daacish u tashkiilin jirtey Haweenka, waxaana aad u baadi-goobi jirey Boliska Caalamiga iyo dalal ay Britain iyo Kenya ka mid yihiin.
Ilo Sirdoonka Britain oo la hadlay Wargeyska The Sun ayaa sheegay  inay Sirdoonka UK iyo kuwa Maraykanka is-dhaafsadeen xogta ku aadan dilkii Carmalada Cad ee Sally Jones .
Wargeyska The Sun ayaa soo weriyey in Haweeneydaasi iyo wiilkeeda lagu dilay bishii June meel ku dhow xuduudka ay wadaagaan dalalka Syria iyo Iraq.
Waxaa la sheegay in iyada iyo wiilkeeda lagu dilay mar ay doonaysay inay ka baxsadaan magaalladda Raqah oo ay Kooxda Daacish ku xooggan yihiin.
Madaxda Sirdoonka Maraykanka waxay sheegeen inaysan 100% xaqiijin Karin in la dilay Sally Jones iyo Wiilkeeda, maadaama ay adag tahay in dheecaankooda Hiddo-sidaha ee DNA laga soo qaado goobtii lagu dilay.
Saraakiisha waxay intaasi raaciyeen inay ku kalsoon yihiin inay Sally Jones  iyo wiilkeeda oo la oran jirey Jolo wada geeriyooteen..
Wargeyska The Sun waxa kale oo uu qoray in duqeyntaasi lagu dilay 15 Maleeshiyo ka tirsan Kooxda Daacish
Dhinaca kale, Wargeyska The Sun waxa uu qoray in Saygeeda oo la oran jirey Junayd Xuseen, kana tirsanaa Kooxda Daacish  lagu dilay weerar ay Diyaarad Drones-ka Maraykanka ka geysatay dalka Syria sannadkii 2015-kii.
Muqdisho 12ka Okoobar 2017 Shirkadda DP WORLD, ayaa maanta la wareegaysa maamulka Dekeda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Munaasabada ay shirkaddu kula wareegayso Dekeda, ayaa ka socota gudaha Dekeda, waxaana ka qayb galaya Mas’uuliyiin ka tirsan Maamul Gobaleedka Puntland, Madax ka socota shirkadda iyo marti sharaf kale.
Shirkadda DP WORLD, ayaa dhaqaale dhan 336 Milyan oo Doolar ku Maalgalinaysa Dhismaha Dekeda Boosaaso, waxaana dhismuhu uu u kala baxayaa laba waji.
Waxaa Dekeda Boosaaso ay noqonaysaa Dekeda sagaalaad ee Qaaradda Afrika oo shirkaddu ay maamusho, waxaana ay dhowaan la wareegtay Dekeda magaalada Berbera ee Maamulka iskii isugu magacaa-bay Jamhuuriyada Soomaaliland
Dowlad Galmudug 12ka Okoobar 2017 Ciidamada NATO ee la-Dagaalanka Burcad Badeeda Xeebaha Soomaaliya ayaa Tababar u Furey Askar ka tirsan Ciidamada Bada ee Maamulka Galmudug kuwaasi oo Tababarkaan ku Qaadanaya Dusha Markab Dagaal oo ku sugan Xeebta Degmada Hobyo ee Gobalka Mudug.
Gudoomiyaha Degmada Hobyo Cabdulaahi Axmed Cali Faad oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Sheegay inTababarkaan ay Bixinayaan Saraakiil ka tirsan Ciidamada NATO kuwaasi oo ku sugan Dusha Markab Dagaal oo Taagan Xeebta Hobyo waxa uuna Xusay in Ciidamadaan loogu talo-gal la dagaalanka Burcad Kalluumeysiga ee Xeebaha Galmudug
Muqdisho 12ka Okoobar 2017 Ciidamada ammaanka gaar ahaan kuwa xasilinta ayaa xalay Howlgal gaar ah waxa ay ka sameeyeen wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, gaar ahaan xaafadaha degaanada halkaasi ku yaalla.
Ciidamada oo Howlgalkooda uu qaatay saacado badan ayaa waxa ay si gaar ah uga wadeen agagaarka Tabeelaha Sheekh Ibraahim, halkaasi oo habeen ka hor lagu dilay Cabdi Nuunow Aadan oo ahaa nin ka tirsanaa Ergadii magaalada Baydhabo ku soo dooratay xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka.
Dadka degaanka, ayaa markeliya ku soo baraarugay ciidan fara badan oo lagu soo daadiyay xaafadda Tabeelaha Sheekh ibraahim, Sarkuusta ilaa degaanka Garasbaaley, iyadoo ayna xireen wadooyinka soo gala.
Sarkaal ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka ayaa si hoose Risaala ugu sheegay in Ciidamada ay gudaha u galeen guryo bartilmaameyd ahaa, waxaana lagu soo qab qabtay dhalinayaro fara badan.
Ma cadda waxa ay yihiin iyo weliba cidda ay ka tirsan yihiin ragga hawlgalkaasi lagu soo qab qabtay, balse waxaa Ciidamada ay dhalinyarada ula dhaqaaqeen xarumaha dambi baarista ee ku yaalla Muqdisho.
Dhanka kale Guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil C/laahi   ayaa sheegay intii Ciidamada ay howlgalka wadeen in gacanta ay ku soo dhigeen Gaari SPACIO ah, kaasi oo laga qaatay Cabdi Nuunow Aadan, kadib dilkii loo geystay.
Muqdisho 12ka Okoobar 2017 Guddiga Doorashada ee dalka Kenya ayaa waxay shaaca ka qaadeen in doorashada loo balansan yahay in ay dalka ka dhacdo 26 bishan ay sii socon doonto,iyada oo ay jirto in Raila Odinga uu tartanka isaga baxay.
Guddiga ayaa waxa ay sheegeen in dhamaan 8 musharax ee ka qayb galay doorashadii August ee ay laashay maxkamadda ugu sareysa dalka loo ogolaanayo in ay ka qayb galaan doorashada ku celiska ah .
Ku dhawaaqida arrintan ayaa waxa ay soo afjaraysaa 24 saac oo jahwareer uu ka dhashay ka laabashadii uu hogaamiyaha mucaaradka NASA Raila Odinga uu ka laabtay ka qayb galka tartanka doorashada ku celiska ah.Guddiga doorashada ayaa waxay sheegeen in Raila Odinga uu u soo qoray warqada uu ku caddeynayo in uu tartanka doorashada ku celiska isaga baxay balse aysan taasi ahayn mid ku filan.
Waxa ay sheegeen guddiga in ay jiraan foomam ay tahay in uu saxiixo si sharciyan loo aqbalo in uu tartanka ka haray.
Go’aanka Odinga ayaa waxa uu keeni lahaa in madaxwayne Kenyatta oo kali ah uu tartanka ka qayb galo balse hadda arrintasi way is badashay.
Guddiga waxay sheegeen in 6 musharax ee kale ee doorashadii hore ka qayb galay ay imika doorashada ku celiska ah ka qaybgali karaan.
Hogaamiyayaasha mucaaradka Kenya ayaa waxay horey ugu baaqeen in isbadal lagu sameeyo guddiga doorashada ee hadda jira.
http://www.somaoilandgas.com/shareholders/

WARARKA MAANTA 11ka Okoobar 2017 Sir Culus

Su’aalaha Maanta: Maxay tahay sababta khaa’inul waddan Fahad Yasiin loogu dhiibay Agaasimaha Madaxtooyadda asagoo si fiican ay horay Qaramadda Midooway u kashiftay musuqmaasuqa baahsan ee uu ku dhisay dowladii Damu-Jadiid ee uu hoggaaminayey Mudane Xassan Shiikh Maxamuud “Garguurte” Iyo Dowladdan Wada Dadban ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo “Been-Hawaas” oo kii ugu musuqmaasuq badanaa ka dhigtay Agaasimaha Madaxtooyadda Fahad Yasiin “Dhuusaaye” oo ka shaqayn jiray Idaacadda Al-Jazeera! Marka yaa musuqmaasuq la dagaalamaya haddii dadka noocan ah oo kale uu Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu magaacabay jaggooyinkan oo kale? Madaxweyne Farmaajo waxay shacabka Soomaaliyeed soo nacayaan beentii iyo faataa-baqlayntii aad u sheegtay, waxaadna ogaataa mar dhow inay AMISOM qasab xilka kaaga dejin doonto sidaa ay horayba xilka kaaga dejisay adigoo Raysal Wasaare ka ahaa waddanka oo weli si fudud uga cararay jaggaddii raysal wasaarenimadda sida uu kashifay madaxweynihii aad xilka ka qaadatay Mudane Xassan Shiikh Maxamuud “Garguure” oo hantidii Ummadda Soomaaliyeed magaceeda lagu soo qaaday si xirfadaysan u dhacay oo ku maanaafacaadaya maalmalaha adduunka!

Muqdisho, Oktoobar 11, 2017: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) wuxuu si dhaw ula socdaa dareenka ay muujiyeen madaxda Dowlad Goboleedyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna hoosta ka xarriiqayaa in ay lagama maarmaan tahay wada shaqeynta hey’adaha Federaalka iyo hey’adaha heer Dowlad Goboleed si looga mira dhaliyo waajibaadka dastuuriga ee na wada saaran iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

“Dhammaan madaxda dalka ee heerarka kala duwan waxaan xasuusinayaa inuu dalkeenu ku jiro dib u kabasho dhinac walba leh, waddada kaliya ee lagu gaari karo dib u kabasho dhameystiranna ay tahay midnimo iyo wadashaqeyn ku dhisan maslaxadda guud oo ah midda aan dhammaanteen u dhaarannay.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in ay marwalba imaan karto dhaliilo iyo dal-daloolo ka yimaada wadashaqeynta heerarka kala duwan ee dowladda, waxaase lagama maarmaan ah in lagu xalliyo wadahadal iyo isqancin u dhexeeysa madaxda iyo hay’adaha iyada oo la raacayo habraaca dastuurka iyo qawaaniinta dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ku kalsoonyahay in loo gudbi doono wada shaqeyn iyo iskaashi si looga mira dhaliyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir

Muqdisho 11ka Okoobar 2017 Dowladda Kenya ayaa sheegtay kadib Howlgalo ay Ciidameeda ka sameeyeen  Keymaha  Booni iyo Degaanka Lamu in ay ku guuleysteen  in Xarakada Al-shabaab ay ka baxaan degaannada xeebta ah.

Agaasimaha howlgalka xoreynta Boni ee Kenya  Joseph Kanyiri,ayaa sheegay in 5- ka mid ah Al-shabaab ay dileen islamarkaana ka furteen 6 Qori oo AK47 ah,321 xabbo oo rasaas ah,Saddex grneyl iyo Waxyaabaha qarxa.

Howlgalka Ciidamada Kenya ayaa jirsaday lix sano Bishan ayuuna gaarayaa sanadkii lixaad,Al-shabaab waxaa ay wali ka dagaallamayaan gudaha Kenya waliba si ka xoog badan sidii howlgalka Al-shabab ee gudaha Kenya uu ahaa ka hor 2011kii.

Sidoo kale Agaasimaha howlgalka xoreynta Boni ee Kenya  Joseph Kanyiri ayaa sheegay in Ciidamada KDF ay sameyaan howlgal joogto ah joogitaankooda degaankaasna uu aad u badanyahay islamarkaana ay helaan xogta Ragga ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Waxaa uu sheegay Agaasimaha howlgalka xoreynta Boni ee Kenya  in dadka degan Gobolka Xeebta ah iyo xoolo dhaqatada ay ka helaan xogta ugu badan ee la xiriirta Goobaha ay Xarakada  Al-shabaab ku suganyihiin.

Muqdisho 11ka Okoobar 2017 Wasiirka Wasaarada Arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa waxa uu sheegay in qorshaha xukuumada Soomaaliya uu yahay dib u heshiisiinta iyo amniga.

Waxa uu sheegay in dalkaan Soomaaliya uu yahay mid la wada leeyahay isla markaana dowladda Soomaaliya ay wadahadal la geli doonto cid kasta oo dowladda ka soo horjeeda.

Sidoo kale waxa uu sheegay in weli uu taagan yahay cafiskii Madaxweynaha Soomaliya uu u fidiyay dadka dowladda ka soo horjeeda.

Afgooye 11ka Okoobar 2017 Faah Faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Weeraro loo adeegsaday Qaraxyo Bam-Banooyin ah oo ka dhacay Bar Kontorool oo ay Ciidamada Dowladad Soomaaliya ku leeyihiin Isgoyska Ex Control Afgooye ee Duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxyada oo dhacay Xalay Fiidkii hore ayaa la sheegay in lala eegtay goob lagu jaro Boonada Canshuurta Gaadiidka magaalada Muqdisho waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan 3 Ka mid ah Ciidanka Dowlada Soomaaliya sida ay noo xaqiijiyeen Laamaha amaanka.

Saraakiisha Ciidanka ayaa  sheegay in Ciidanka dhaawacmay ay ku jiraan kuwa ay Xaaladooda aad u liidato waxaana la dhigay Isbtaal ku yaala magaalada Muqdisho.

Ciidanka Dowladda ee la weeraray ayaa Qaraxa ka dib Sameeyay Baaritaano mudo halkaasi ka socday lamana sheegin Wax dad ah oo lagu soo qab qabtay.

Waa markii 3aad oo weerar nuucaan oo kale lagu qaaday Ciidanka Dowladda Soomaaliya ee halkaasi Saldhigga ku leh, Goob joogayaal ayaa Idaacadda kulmiye u xaqiijiyay in Habeenadii la soo dhaafay ay maqlayeen Weerarada nuucaan oo kale ah oo deegaanka ku soo laab laabtay.

Taliska Ciidanka Dowladda ee deegaanka Ex Control oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan Weerarkii xalay ka dhacay deegaankaasi.

Weerarka ayaa ku soo beegmay Saacado yar ka dib markii meel u dhax Ex-Control lagu dilay mid ka mid ah Ergadii Baarlamaanka Soomaaliya ku soo dooratay magaalada Baydhabo  ee Xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Balacad 11ka Okoobar 2017 Argagixisadda Al-Shabaab ayaa saakay Aroortii hore weerar ku qaaday Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo Saldhig ku leh deegaan u dhaw degmda Balcad ee gobalka Shabeelaha Dhexe sida ay dadka deegaanka sheegeen.

Dagaal oo mudo kooban socday ayaa la sheegay in ay ku dhinteen Ciidan ka tirasn Dowladda iyo Askar ka mid ah Al- Shabaab ee weerarka soo qaaday in kastoo aan la ogeyn inta ay gaarsiisan tahay dhimashada iyo dhaawaca.

Dagaalka ayaa ka dhacay Saldhigga Ciidanka Dowladda ee deegaanka Basra oo ka tirsan degmada Balcad ee gobalka Shabeelaha dhexe waxa uuna ka mid ah deegaanada fara ku tiriska ah oo ay xaalad daganaan ah ka jirtay sanadiihii la soo dhaafay.

Goob jooge ku sugan deegaanka Basra ayaa sheegay in uu arkay meydadka ugu yaraan 4 ka mid ah Ciidamadii dagaalamay waxaana sidoo kale jira dhaawac soo kala gaaray dhimacyada dagaalka dhex-maray.

Al-Shabaab ayaa qabsaday deegaanka waqti kooban waxaana wararkii ugu danbeeyay ay sheegayaan in hadda ay xaaladda dagan tahay waxaana ka baxay Shabaabkii qabsaday.

Dowlad Gobaleedk Jubballand 11ka Okoobar 2017 Shirkii ka socday magaalada Kismaayo ee Xarunta gobalka Jubada Hoose ayaa la sheegay in uu soo dhamaaday Xalay oo ay qodobo ku heshiiyeen Madaxdii ka qeyb galeysay Shirkaasi.

Hogaamiyaasha Shirka ayaa diiradda saaray qodobo xasaasi ah oo ka taagan Soomaaliya waxaana taagnaa dodo kulul oo dhinacyada yeesheen.

Qodobada qaar ayaa la isku afgartay waxaana qaarkood la xaqiijiyay in lagu heshiin waayay waxaana la filayaa in maanta la soo saaro War-murtiyeed ku saabsan Shirkooda.

Qodobada lagu heshiiyay ayaa sheegaya in ay u qornayeen   sida warar hor dhaca lagu helay  ayaa  ka mid yihiin.

In dib loo soo celiyo Madasha Wadatashiga Qaran iyo laga tala giliyo Wixii la xariira Lacagta, Ciidanka iyo Xariirka Caalamiga ah sidoo kale waxa ay qaar ka mid ah Soo jeediyeen in xariirka loo jaro Dowladda Soomaaliya in kastoo qdobkaas la isku afgaran waayay.

Hore waxaa u jirtay 6 qodob oo kale oo aan helnay Islamarkaana ku baahinay wararka iyo barnaamijyada Idaacadda.

Si walba maanta ayaa la dhowraya in ay soo saaraan Warsaxaafadeed ku aadan Shirkooda waxaana jira walaac xoog leh oo laga muujinayo qdobada Shirkaasi ka soo bixi karo.

Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed 11ka Okoobar 2017 Maamulka Koonfur Galbeed ayaa shalay soo saaray amaro culus oo ka dhan ah siyaasiyiinta iyo warbaahinta madaxa banaan, iyagoo looga digay inay joojiyaan shirarka siyaasadeed iyo wararka wax u dhimaya maamulka.

Taliyaha Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed ayaa sheegay in aan la qaban karin shirarka siyaasadeed ee ka dhanka ah maamulka, islamarkaana cidii qabata ay tallaabo cad ka qaadayaan.

Warkaas mid ka duwan waxaa qaba Wasiiru Dowlada Wasaraadda Amniga ee Koonfur Galbeed Soomaaliya C/qaadir C/raxmaan Cali uu sheegay in aan wax caburin ah aan lagu heynin siyaasiyiinta ka soo jeeda degaanada Koonfur Galbeed.

C/qaadir C/raxmaan Cali ayaa dhanka kale sheegay in ay jiraan shaqsiyaad gaar ah oo maamulka bartilmaameysanyo, kuwaasi oo uu sheegay in ay caqabad ku yihiin hormarka ka socda degaanada Koonfur Galbeed.

Magaalada Baydhabo ayaa laga mamnuucay shirarka siyaasadeed ee ka dhanka ah maamulka, iyadoo lagu soo rogay Hotelada in aan lagu qaban karin shirar aanu maamulka iyo Hay’adaha ammaanka ogeyn.

Maamulka Koofur Galbeed ayaa waxa uu muddooyinkan dambe la kulmayay culeysyo siyaasadeed oo uga imaanayay siyaasiyiinta, waxaana xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed ay ku hanjabeen inay mooshin ka keenayaan Madaxweynaha maamulkaas Shariif Xasan.

Itoobaya 11ka Okoobar 2017 Wararka ka imaanaya dalka Ethopia ayaa ku waramaya in ay dib usoo laabteen dhibaatooyinkii u dhaxeeyay Soomaalida iyo Oromada  oo dhawaan la sheegay in xal laga gaaray.

Waxaa la xaqiijiyay in Gaari ka baxay magaalada Amaro ee gobolka Oromiya lagu rasaaseeyey xadka gobolka Koonfurta Ethiopia.

Sida uu xaqiijiyay TV-ga ESAT waxaa goobta ku naf waayay mid ka mid ah dadkii saarnaa gaariga la rasaaseeyay halka ay labo kalena ay ku dhaawacmeen.

Arintan ayaa la sheegay in ay salka ku hayso khilaaf xaga xuduuda ah ee u dhaxeeya Gobolka Oromada iyo Gobolka Shucuubta Koonfureed

Dowlad Gobaleedka Galmudug 11ka Okoobar 2017 Wasaaradda Warfaafinta Dowladd Goboleedka Galmudug ayaa ka hortimid amar lagu caburinayay Saxaafadda Deegaanada Maamulkaas oo kasoo baxay Madaxtooyadda Galmudug.

Qoraal uu soo saaray wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta maamulka Galmudug C/raxman Jaamac Afrax ayaa lagu sheegay in wasaaradda aysan marnaba aqbali doonin caburinta Saxaafadda Galmudug.

Wasaaradda Waxa ay difaacdey Dastuurka Galmudug oo Diidaya in la Caburiyo Warbaahinta madaxa Banaan.

Qoraal shalay kasoo baxay Madaxtooyadda Galmudug oo uu ku saxiixnaa agaasimaha Madaxtooyadda Maamulkaas Maxamed Cabdi Feynuus ayaa lagu sheegay in Saxaafadda aysan tabin karin wararka lidiga ku ah amniga Galmudug.

Spain11ka Okoobar 2017 Catalonia mudo dheer ayay madaxbanaani raadinaysay

Dowladda Spain ayaa ku gacan sayrtay madaxbanaanida ay ku dhaqaaqeen gobolka Catalonia ee dhowaanta aftida loogu qaaday.

Waxaa sidoo kale xukuumadu ay diiday inay wax wadahadal ah la gasho madaxda gobolka Catalonia.

Ra’iisul wasaare kuxigeenka Spian ayaa ku tilmaamay hogaamiyaha Catalonia qof aan garanayn meesha uu joogo iyo halka uu ku socdaba.

Ra’iisul Wasaare Marriano Rajoy ayaa qabanay shir deg deg ah oo golaha wasiiradu ay yeelanayaan kagana xaajoonayaan amuurtan.

Hogaamiyaha gobolka Catalonia ayaa saxiixay madaxbanaanida ay dadku u codeeyeen isbuucii hore.

Muranka xoogan ee soo kala dhexgalay xukuumada Madrid iyo gobolka Catalonia ayaa salka ku hayay madaxbanaani ay mudo dheerba doonayeen dadka reer Catalonia.

Hogaamiyaha Catalonia ayaa caalamka ugu baaqay in la aqoonsado madaxbanaanidooda

Dowlad Gobaleedk Jubba;and 11ka Okoobar 2017 Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa ku waramaya In Ciidamada Nabad Sugida maamulka Jubba-land ay howlgal ka fuliyeen galinkii hore ee shalay deegaano ku dhow magalaada Kamsuuma oo qiyaastii 90 KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo.

Taliye ku xigeenka Nabadsugidda Jubaland Axmed C/laahi Ciise (Gaas) oo la hadlay warbaahinta  ayaa sheegay in shalay galinkii hore ay weerar qorsheysan ku qaadeen saldhig ay Al-shabaab ku lahaayeen nawaaxiga deegaanka Kamsuuma ee Gobolka Jubada Hoose.

“Ciidamo ka tirsan nabadusgida Jubba-land waxa ay  ka talaabeen Webiga dhinaca Buulogaduud, waxaa bartilmaamdeed u ahaa fariisin ay Al-shabaab ku lahaayeen nawaaxiga Kamsuuma, goobtaasi waxa ay ahayd goob ay jidgooyo u taal oo ay gaadiidka lacago uga qaadi jireen, qasaarooyin ayaan u geysannay, waxayna u carareen dhanka Kamsuuma,” ayuu taliyuhu Yiri.

Waxa uu sheegay Sidoo kale in ay saldhigga ugu tageen xoolo ay Al-shabaab Zako ahaan uga soo ururiyeen dadka xoolaleeyda ah iyo lacago, isagoo sheegay in qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay u gesyteen.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan howlgalladaasi oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab.

Ciidamada Jubaland iyo kuwa xoogga dalka ayaa mudooyinkii u danbeeyay waday weerarro qorsheeysan oo ay ku bartilmaadeesanayaan saldhigyada ay Al-shabaab ku leeyihiin Gobolada Jubooyinka iyo Gedo ee Koonfurta dalka Soomaliya.

Minneapolis 11ka Okoobar 2017 Maxkamad ku taalla magaalada Minneapoles ee dalka Mareykanka ayaa dambi ku heshay Askari cadaan ah oo xad gudub jirdil la xiriira u geystay nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Maxamed Cusmaan.

30-kii May ee sanadkii hore gabar Soomaaliyeed ayaa Booliska waxa ay uga dacwootay Maxamed Cusmaan oo ay sheegtay in uu u gacan qaaday.

Booliska ayaa si deg deg ah ku yimid guriga gabadha xilligaasi waxaa gaari guriga hortiisa yaallay ku dhexjiray Maxamed Cusmaan, oo Booliska ay ku amreen in jilbaha uu dhulka dhigto, kadibna gacmaha uu gadaal mariyo.Askari Boolis ah oo lagu magagaacbo Cristover River oo 36 sano jir ah ayaa Maxamed Cusmaan oo jilbaha ay dhulka u yaallaan darbeeyay, kadib Maxamed ayaa miir belay oo uu soo gaaro dhaawac uu ka mid yahay inuu sanka ka jabo.

Askarigii ayaa shaqada laga fariisiyay, waxaana la daawaday muuqaal ay duubtay Camerada qarsoon, shalay oo aheyd Talaado ayay Maxkamaddu sheegtay in Askarigan uu qalad galay, dambina lagu helay.

Ilaa hadda Maxkamadda ma aysan sheegin xukunka dhabta ah ee ay ku riday Askarigan, balse ilaa gaba gabada Todobaadkan ayaa la ogaan doonaa xukunka lagu ridi doono Askariga.

Xeer ilaaliye ka tirsan Maxkamadda Minneapoles ayaa codsaday in ninkan xabsi loo taxaabo, inkastoo hadalkaasi ay ka soo horjeesteen qareenada u doodaya Askariga, iyaga oo dalbaday in uu banaanka joogo, korna lagala socdo

Muqdisho 11ka Okoobar 2017 Maalma ka hor waxaa dib u dhac uu ku yimid shirweynaha Qaran ee dib u eegista Dastuurka dalka kaas oo ay soo diyaarisay Wasaarada Dastuurka Xukuumada Federaalka Soomaaliya kadib markii ay qaadaceen shirkaas Wasiirada Arrimaha Dastuurka ee dowlad goboleedyada .

Wasiirka Wasaarada Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay Baaqashadaas balse taasi ay  tahay dumuqraadiyad ama xuriyad la gaaray in Xukuumadda Sooamaliya laga soo horjeesto.

Wasiir Xoosh ayaa sidoo kale sheegay in Wasaaradu ay mar kale qaban doonto shirkaas kaas oo ah mid dib u eegis lagu lagu sameynayo Dastuurka dalka oo ah weli mid qabyo ah.

Hadalka Wasiirka ayaa imaanaya xili weli ay dhaliil muujinayaan Wasaaradaha Dastuurka Maamul goboleedyada, taas oo Wasaarada Dastuurka dalka Soomaaliya looga baahan yahay in ay xal ka gaarto.

Muqdisho 11ka Okoobar 2017Wararka ugu danbeeyey ee shirka uga socday madaxweyna yaasha maamul  goboleedyada  hoostago Dowlada Federaalka   ee Soomaliya uga  socday   magaalada  Kismaanyo ayaa  sida muuqata leysku mari waayey qodobo  dhowr ah iyadoona   arinta shirka sii murjisay kadib markii Ra iisal wasaarahii hore Cumar Cabdarshiid laga duubay cod sir ah taana  ay keentay in masuuliyiinta qaar ka hor yimadaan

Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa  ka hor yimid  qodoba  dhowr ah

Isagoona soo jeediyey in wax aan anaga ku heshiinay  aan sameysano isagoona sheegay wax kor looga keenay uusan qaadan karin

Madaxweyne Xaaf ayaa  ka hor yimid qodka ah Dalada  wareegta  ay yeelanayaan madaxda maamul goboleedya da waxuuna soo jeediyey taa in lagu badalo gudi  farsamo oo ka imanaayo   maamul goboleeydyada  kuwaa oo ka shaqeynaayo waxii qilaaf ah ee ka dhaxeeya maamul gobooeedyada iyo dowlada Federaalka

Sidoo kale  madaxweyne Xaaf ayaa si doo kale   ka hor yimid qodobka  ah in  ciidamada Turikiga  laga saaro soomaliya  isagoo qos laayo ayuu yiri Xaaf  Arimahq Dibadda ayaaba nagula  heystayey ma hadaan dowlada Federaaka ku qabsanaa gaashandhiga isagoo yiri hadaan Turikiga  soo hadal qaadno  shacabkaaba na dhagaxyeynayaan  marka waa in aan ka joognaa taa waxaana dhamaan la tuuray qodobkaas

Sida aan ku  heleyno ila hoose ee shirka ayaa sheegayo in dhamaan wax laga badalay qodob badan

Shirka ayaa sii socon doono ilaa maalinta Bari waxaana moodaa in madaxweyne Xaaf ka fikir duwan yahay madaxda kale isagoona dhamaan ka hor yimid qodobadii sida qaaska u wateen Cumar Cabdirashiid  iyo Gaas kuwaa oo dhamaan la doonaayey  in dowlada   Federaalka lagu bur burinaayey

http://www.un.org/ga/search/view_doc.asp?symbol=S/2013/413

WARARKA MAANTA 10ka Okoobar 2017 Sir Culus

Su’aalaaha Maanta: Maxay Dowladda Wada Dadban, Iyo Raysal Wasaare Khaa’inul Waddan Mudane Xasan Cali Kheyre u rabaa inuu u baabi’iyo Dowlad Gobaleedk Galmudug ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Mudane Axmed Ducaale Geelle “Xaaf”? Raysal Wasaare Khaa’inul Waddan Mudane Xasan Cali Kheyre u rabaa inuu u baabi’iyo Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle taasoo uu si sharci-darro ah uga takhalusay Madaxweyne Cabdilaahi Cosoble? Maxuuse Raysal Wasaare Khaa’inul Waddan Mudane Xasan Cali Kheyre u rabaa inuu u baabi’iyo Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Iyo Madaxweyne Shariif Xassan? Maxuu u fashilmay inqilaabkii lagu ridi rabay Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Mudane Cabdiweli Cali Gaas? Annagoo ku hadlayna magaca warbaahinta dalka waxaanu Ummadda Soomaaliyeed u sheegaynaa inay Dowladda Wada Dadban Iyo Madaxdeeda rabaan inay si cad ugu tuntaan dastuurka federaalka ayagoo ka takhalusaya dastuurka federaalka si ay u noqdaan kooxdan yar ee xukunka dalka ku qabsatay si dadban oo ay dowladdo kale soo maalgelinayaan. Hadii aynan rabin inay dalka ku maamulaan dastuurka federaalka ee lagu doortay ayga haddaba ha iska casilaan jaggooyinka isla-markaasna ha ka raalligeliyaan Ummadda Soomaaliyeed dhibka iyo fowdada ay ku sameeyeen! Xaqiiqdii waddankan waxaa siyaasaddiisa jahwareerinaya daka ay Qaramdda Midooway horay u kashifeen musuqmaasuqooda warbixino ay hor u shaaciyeen. Dadkaas waxaa kamid ah Agaasimaha Madaxtooyadda Mr. Fahad Yaasiin iyo rag badan oo kale haddaba dadka musuqmaasuqa iyo argagixisadda wada ahaan jiray miyaa dhaqaallo ka sugaya inay dowladda wada dadban uga helaan beesha caalamka oo si fiican u caddeysay raggaas iyo falalkii dembiyadda ay dad iyo dalkaba ka galeen. Jawaabtu waa maya ee Mudane Madaxweyne Farmaajo, waa fashilan tahay ee is-casil inta aan mar labaad si qasab ah madax qori lagaaga saarin si aad isku-casisho! Ogoow wixii adiga Iyo Shiikh Shariif dhex maray way soo socotaa!

Maraykanka 10ka Okoobar 2017 Maraykanka Ivana Trump (Bidix) ayaa 3 caruur ah u dhashay Donald Trump, Halka Ivanka Trump ay tahay xaaska ay hadda wada joogaan, wiilna u haysa

Marwada koowaad ee Maraykanka Melania Trump ayaa si kulul ugu jawaabtay xaaskii hore ee madaxweyne Donald Trump oo lagu magacaabo Ivana Trump, taas oo taleefishinka ABC u sheegtay in ay iyadu tahay ‘marwada koowaad’.

Afhayeen u hadlay marwada koowaad ayaa sheegay in Ivana ay raadinayso caannimo, tahayna qof danaheeda ka shaqaynaysa.

Ivana ayaa barnaamijka Subax Wanaagsan ee ABC u sheegtay in ay xiriir toos ah la leedahay Aqalka Cad, balse aysan doonaynin in ay wax maseer ah dhaliso.

Haweenaydan oo soo saaraysa buug cusub oo ay ka qortay ninkeedii hore iyo caruurteeda, ayaa waxa ay Trump is guursadeen sanadkii 1977-dii, balse waxa ay is fureen horaantii 1990-naadkii, kadib markii Trump la sheegay in uu gogol dhaaf la sameeyay haweenay lagu magacaabo Marla Maples oo markii dambane xaaskiisa noqotay.

Ivana iyo Trump ayaa isu haya saddex caruur ah oo kala ah Donald Jr, Ivanka, iyo Erick Trump.

“Xiriir toos ah ayaan la leeyahay Aqalka Cad, balse maadaamaa ay Melania ka ag dhowdahay markasta ma woco” ayay tiri Ivana.

Waa markii ugu horeysay taariikhda Maraykanka oo ay si furan saxaafadda hadalo isu mariyaan Marwo koowaad iyo xaas horey loo furay intii madaxweyne ee Maraykanka soo maray.

Trump ka hor , Ronald Reagan oo kaliya ayaa jirey madaxweyne xaas horey usoo furay.

Ivana Trump ayaa sheegtay in ay iyadu korisay caruurteeda, halkaTrump uu ahaa qofka bixiya qarash kasta, balse uusan ahayn aabbe caruurta waqti la qaata “Markii ay 18 jir gaareen ayuu bilaabay in uu lasoo hadlo, wuxuuna kala hadli jiray arrimo ganacsi oo kaliya”, ayay tiri Ivana oo intaas ku dartay in Trump uusan ahayn aabbe xun.

Turkiga 10ka Okoobar 2017 Madaxweynaha Turkiga, Rajab Dayib Erdogan ayaa hadalkaasi ku sheegay Shir Jaraa’id oo ay isaga iyo dhigiisa dalka Yukrayn Petro Porochenko ku qabteen caasimadda dalkaasi ee Kiev.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu aad iyo aad uga xun yahay go’aankii ay Dowladda Maraykanka ku hakisay Adeegii Fiisaha ee Muwaadiniinta Turkiga lagu siin jireen Dal-ku-galka Maraykanka.

Waxa uu tilmaamay inuu amar ku siiyey Safaaradda Turkiga ee Washington inay qaadaan Tallaabo la mid ah Go’aankii Maraykanka ee Adeegga Fiisaha.

“Turkiga waxaa lagu xukumaa Sharci oo wax kasta ka sarreeya, ma nihin Qabiil, mana nihin Dowlad Qabiileed” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.

Khilaafka Diplomaasiyadeed ee Maraykanka iyo Turkiga ayaa yimid, kadib, markii ay Ciiddanka Ammanka Turkiga xireen Muwaadin  Turkish ah oo ka shaqeeya Qunusuliyada Maraykanka ku leeyihiin magaalladda Istanbuul, kadib, markii lagu soo oogay inuu xubin ka yahay Kooxda uu hoggaamiyo Sheekh Fatxullahi  oo ku nool Maraykanka.

Shaqaalaha la xiray oo lagu magacaabo Metin Topuz, waxaa lagu eedeynayaa inuu Warbixin ka hayo doorkii ay Maraykanka ku lahaayeen Afgembigii Fashilmay ee 15-kii July ee sannadkii hore ka dhacay Turkiga.

Saraakiisha Turkiga waxay sheegeen inuusan Eedeysanahaasi lahayn wax Xasaanad Diplomaasiyadeed, isla markaana ay Maraykanka ku degdegeen Xayiraadda dhinaca Adeegga Fiisaha la siin jirey dadka Turkiga ee doonaya inay tagaan Maraykanka.

Muqdisho 10ka Okoobar 2017 Waxaa Isbitaalka Madiina ee Magaalada  Muqdisho ka Furmey  Tababar loo qabtey Umulisooyin kuwaa oo Wasaarada caafimaadka ay dooneyso in ay la tacaalaan  haweenka Uurka leh  ee Barakacayaasha ah ee  Dalka Dib ugu soo laabanaya kuwaa oo mar waliba la kulma Dhibaatooyin islamarkaan aan helin Daryeel Caafimaad

Tababarkaan oo soconaya Muddo Tododbaad ah ayaa ka qayb agalayaa Umulisyooyin tiradodoa gaaraysa 30 Umuliso kuwaa oo ka kala yimid Gobolada Banaadir iyo Shabeelada Hoose  waxaana Furitaanka tababartkaan ka hadley  Xoghayaha ururka Umulisooyinka Soomaaliyeed  Xaawo Cismaan waxayna sheegtey in Tababarkaa uu wax weyn ka tari doono Haweenka Uurka leh ku jira Xeryaha Barakacayaasha maadaama ay yihiin Haween Xaaladooda caafimaad ay aad u liidato.

Xubnihii kale ee halkaa ka hadley waxaa ka mid ahaa Dr Cabduqaadir Weheliye Afrax oo Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada u qaabilsan la Taliyaha Taranka Hooyada iyo Dhalaanka waxaana uu yiri “Tababarkaan Ujeedkiisu waa wax ka qabashada Xaaladaha Deg dega ah ee mar waliba la soo Gudboonaadaan Haweenka Uurka leh ee Barakacayaasha kuna soo laabanaya Dalka” waxaa uu intaa sii raaciyey

“Sidoo kale tababarkaan   oo ay ka qayb galayaan Umulisooyin aad u tababaran waxaa  xooga lagu saari doonaa wax  ka qabashada Xadgudubyada haweenka iyo waliba Gudniinka Fircooniga oo  dhibaato ku haya Haweenka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa  Uurka leh marka ay dhalayaan

Tababarkaa ayaa waxaa iska kaashadey wasaarada Caafimaadka,iyo Hayada UNFPA Halka ay Dhaqaalaha ay ku taakuleeyeen  Dowlada Jabaan  Tababarka noocaan oo kale ah oo lagula tacaalayo haweenka Uurka leh ma aha markii ugu horeysey ee loo qabato Umulisooyin  waxaana horey loo qabtey tababaro Noocaan oo kale ah maadaama Soomaaliya lagu tiriyo Wadamada uigu dhimashada Badan gaar ahaan marka ay Foosha Timaado kuwaa oo aan helin Adeegyadii loo baahnaa ee dhinaca  Caafimaadka

Dowlad Gobaleedka Galmudug 10ka Okoobar 2017 Wasaarada War faafinta Dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa maanta soo saartay Go’aano iyo digniin ku socota Warbaahinta Iyo Wariyaasha Ka Howlgala Deegaanada Galmudug.

Agaasimaha Qeybta Warbaahinta Wasaarada Warfaafinta Galmudug Maxamed Xasan Sahal Faynuus ayaa ka warbixiyay go’aanda ay soo saareen

Waxa uu  sheegay in magaalada Cadaado ay ku suganyihiin Dad uu ku sheegay  Qaswadayal Doonaya inay duminayaan Galmudug Awooda Ay Adeegsanayaana ay tahay Warbaahinta Waxuuna Warbaahinta Ugu Baaqay Inay ka digtoonaadan Sideenta Wararka ay Dadkaasi Warbaahinta Siiyaan.

Sidoo kale Wasaarada Warfaafinta Galmudug yaa Sheegay In Wariyihii u hogaansami waaya Go’aanada iyo amarada ay soo saareen ay sharciga la’tiigsan doonaan.

Ugu Danbeentii waxa ay Wasaarada warfaata Baaq U Dirtay Warbaahinta Deegaanada Galmudug  oo ay Ugu baaqday inay ixtiraamaan Maamulka oo si dhaxdhaxaad nimo ah u shaqeeyaan

Qaramadda Midooway 10ka Okoobar 2017 Qarammada Midoobay ayaa afar markab ka mamnuucday in ay ku xirtaan dekedaha caalamka, ka dib markii lagu helay in ay jabiyeen cunaqabatayntii caalamiga ahayd ee la saaray Kuuriyada Waqooyi.

Hugh Griffiths oo ah isku dubaridaha guddiga ay Qaramada Midoobay u saartay cunaqabataynta Kuuriyada Waqooyi ayaa tallaabadaas ku tilmaaamay mid aan caadi ahayn.

Maraakiibtan ayaa la sheegay in ay kala yihiin Petrel 8, Hao Fan 6, Tong San 2 iyo Jie Shun.

Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay ayaa bishii hore sare u sii qaaday cunaqabataynta Kuuriyada Waqooyi, iyaga oo ka jawaabaya tijabadii lixaad ee uguna xoog badnayd ee nukliyeer ah ee Kuuriyada Waqooyi samayso.

Mamnuucitaanka ayaa lagaga dhawaaqay kulan ay Qarammada Midoobay qabatay oo Isniintii dhacay.

Griffiths oo ka hadlaya kulankaas looga hadlayay dhaqangalinta xayiraadaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in maraakiibtani lagu helay “in ay qaadeen alaabo la mamnuucay”

Dowlad Gobaleedka Jubbaland 10ka Okoobar 2017 Shirka Madaxda maamul goboleedyada oo maalinkii Saddexaad ka socda magaalada Kismaayo ayaa maanta lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo, war-murtiyeedna laga soo saaro.

Shirka oo soo bilowday Axadii ina dhaaftay ayaa shalay ilaa xalay waxaa socday doodo aad u kulul iyo qodobada shirka looga hadlayo ay isku waafaqaan Madaxda Dowlad goboleedyada.

Qodobada qaar oo laga soo xiganayo masuuliyiinta ka qeyb galeysa shirkan ayaa waxa ay sheegayaan dhinacyada shirka in ay qorsheynayaan in la sameeyo Gole ay ku mideysan yihiin Madaxda Dowlag goboleedyada.

Warar  ayaa sheegaya in maanta magaalada Kismaayo uu ku wajahan yahay Wakiilka gaarka ah ee QM arrimaha Soomaaliya, si uu madal joog ugu noqdo go’aanada ka soo baxaya shirkan.

Masuuliyiinta ayaa kulankooda waxa uu yimid kadib markii ay cirka isku sii shareertay khilaafaadyada siyaasadeed ee xilligan u dhaxeeya Dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Muqdisho Iyo Qaahira 10ka Okoobar 2017 Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa qadka telfoonka kula hadlay Madaxweynaha Masar Al siisi oo ay isku soo hadal qaadeen dhibaatada Argagexiso ee Soomaaliya ka jirta.

Ugu horeyn Madaxweyne Farmaajo ayaa dhigiisa Masar uga warbixiyay xaalada gudaha Soomaaliya dhinaca amaanka iyo xasiloonida.

Madaxweynaha Dalka Masar ayaa dhigiisa Soomaaliya u sheegay inay garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.

Al siisi ayaa balan qaaday inay sii wadayaan ka taagerida sidii Soomaaliya uga gudbi lahayd khatarta argagexisada.

Labada Madaxweyne ayaa isku raacay xoojinta xiriirka adag ee ka dhaxeeya Masar iyo Soomaaliya.

Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed 10ka Okoobar 2017 Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa sheegay in uu meel gaba-gabo ah uu marayo wadahadalka lagu mideynayo ciidamada Shiikh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdirisaaq Cabdi Aadan  ayaa sheegay in qorshaha lagu mideynayo labada Ciidan dhawaan guul laga gaari doono,islamarkaana Ciidamadii Muqtaar Roobow oo dhawaan isku dhiibay Dowladda Soomaliya ay ku biiri doonaan dagaalka lagula jiro Xarakada Al-shabaab ee ka socda Gobolada dalka Soomaliya.

“Waxaa socda qorshe Ciidamada Muqtaar Roobow iyo kuwa Koonfur Galbeed Soomaliya lagu mideyn doono, Ciidamada Roobow waxa ay ku sugan yihiin deegaankii ay awalba joogen weeraro ayay  kala kulmaan dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab, mustaqbalka dhow Ciidamadaas Maamulka Koonfur Galbeed ayay kusoo biiri doonaan “, ayuu yiri

Sidoo  kale Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdirisaaq Cabdi Aadan waxa uu sheegay in meel wanaagsan ay marayaan qorshayaal lagu doonayo in Al-shabaab loogu saaro qeybo kamid ah Gobolada Baay iyo bakool iyo koonfurta dalka Soomaliya.

Maamulka Shabeelle Hoose 10ka Okoobar 2017 Gudoomiye Ku xigeenka Dhinaca Ammaanka ee Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose Cali Nuure Maxamed ayaa sheegay in Afar ka tirsanaa Al-shabaab ay shalay gelinkii dambe lagu dilay wadada xiriirisa Degaanka Xaawo-cabdi iyo Laanta Buuro.

Wuxuu sheegay Guddoomiye Cali Nuur raggan Ciidamada Millitariga Soomaaliya ay dileen in dhowr jeer ay dilal ka geysteen degaano ka tirsan Shabeellaha Hoose, shalay oo ugu dambeyseyna ka hor inta aanay howlgalka lagu dilin ay rasaas ku fureen Gaari ay la socdeen Odayaal, halkaasi oo ay ku geeryoodeen laba Oday iyo Askari la socday.

Cali Nuure Maxamed ayaa tilmaamay Shabaab inaanay dadku ku dilin sabab iyo sabab la’aan toona, balse ay iska dilaan cid kasta oo wadada maraysa.

Ugu dambeyntii Cali Nuure ayaa waxa uu ku baaqay in Dowladda Soomaaliya ay dardar geliso hawlgalada amni ee Gobolka Shabeellaha Hoose, lana kordhiyo tirada Ciidamada.

Dowlad Gobaleedka Jubbaland 10ka Okoobar 2017 Maaaladda Kismayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubba-land waxaa wali ka socda shirka u dhaxeeya Madaxda maamul goboleedyadda Galmudug, Puntland, Hir-shabeelle, Koonfur Galbeed Soomaliya iyo Jubba-land oo marti galiyaasha ah.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ay jiraan qodobo dhowr ah oo ay isku raaceen Hogaamiyaasha ku shirsan Magaaladda Kismaayo islamarkaana ay jiraan qodobo aan weli la isku Afgaran oo ka doodistoodu socoto.

Qodobada qaar ee Madaxda Maamul Gobolleedyadu isku raaceen waxaa kamid ah.

1- in la aas aaso Gole ay ku mideysan yihiin Madaxda Maamul Gobolleedyada

2- in Sanadkiiba ay mar kulmaan Madaxweyneyaasha Maamul Gobolleedyada,iyadoo Kulankaas lagu qaban doono Magaalo uu ka taliyo mid kamida Maamulada.

3- in Madaxda maamul Gobolleedyada ay iska dhex doortaan Hogaan,Hogaankaas oo aan weli la caddeyn,balse Qodobkaas ay weli doodiisu socoto.

4- Qodobka Afraad waxaa uu sheegayaa in Golaha ay ku mideysan yihiin Madaxda Maamul Gobolleedyada uu u taagan yahay Xalinta Khilaafaadka oo Madashaas ay xalin doonto haddii Labo Maamul uu Khilaaf soo kala dhex galo.

5- Qodobka Shanaad ee ay isku Afgarteen Hogaamiyaasha Maamul Gobolleedyada waxaa ka mida in Qodobada ka soo baxa Shirkooda ay la wadaagaan Dowladda Dhexe oo Muqdisho loogu keeno iyo in sidoo kale loo bandhigo Baarlamaanka Maamul Gobolleedyada.

6- Qodobka Lixaad ayey isku raaceen in Guddi ay u saaraan Khilaafka Xoogan ee ka dhex jira Madaxda Maamulka Galmudug.

Shirka ayaa maanta lagu wadaa in lagu soo gaba-gabeeyo Magaaladda Kismaayo islamarkaana laga soo saaro War-murtiyeed.

Koongo 10ka Okoobar 2017 Howgalka Qaramada Midoobay ee dalka Jamhuuriyada Congo ayaa sheegay in la dilay labo askari oo ciidankooda ka mid ah.

Weerarkan ayaa dhacay ka dib markii la weeraray xero ciidanka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ay leeyihiin.

Xerada la weeraray ayaa ku taalla bariga dalkaasi meel u dhow magaaladda Beni.

Wararku waxaa kaloo ay sheegayaan in dhowr askari oo kale lagu dhaawacay weerarkaasi.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa BBC-da u sheegtay in weerarkan ay gaysteen jabhada loo yaqaano ADF.

Jabhada ADF ayaa ka dagaalanta dalka jaarka la ah Jamhuuriyada Dimoqraadiga Congo ee Uganda.

Haweenaydan Qaramada Midoobay u hadashay ayaa sheegaysa inay sidoo kale jiraan warar sheegaya in jabhadana ADF ay laayeen dad shacab ah oo saarnaa baabuur kolonyo ah maalintii axada ahayd.

Waxaana weerarkaasi la sheegayaa in lagu dilay shacab gaaraya ilaa labaatan qof

Ruushka 10ka Okoobar 2017 Madaxweyne Trump iyo Hilarry Clinton

Warbaahinta dalka Maraykanka ayaa sheegaysa in la soo ogaaday in basaasiinta Ruushka ay kumanaan kun oo doolar ku bixiyeen xayaysiimo si saamayn loogu yeesho doorashadii Maraykanka ka dhacaday sanadkii hore.

Warar laga helay shirikada internetka ee Google ayaa sheegaysa in xayaysiimahani looga gon lahaa in lagu faafiyo warar aan sax ahayn iyadoo la isticmaalayo aaladaha Google, Youtube iyo Gmail.

Xayaysiimahan ayaan u muuqan kuwa laga soo maleegay aqalka Ruushka looga taliyo ee Kremlin-ka.

Sirdoonka Maraykanka ayaa bilowgii sanadkan soo qatimay baaritaan lagu hayay Ruushka oo ku saabsanaa saamaynta uu ku lahaa doorashadii Maraykanka ka dhacday.

Waxaa sidoo kale jirtay in xubno aqalka Congreska Maraykanka ka tirsan ay amuurtan baarayeen.

Shirikada Google ayaa iyana sheegaysa inay si qoto dheer u baarayso iskudayo looga meel dhacay qaabkooda shaqo.

Kenya 10ka Okoobar 2017 Dabley hubeysan ayaa la sheegay inay rasaas ku fureen dad ku sugnaa Kambaska Jaaamacadda Farsamada (The Technical University of Mombasa) oo ku taalla Deegaanka Xeebta leh ee Kwale.

Boliska iyo Goobjoogayaal ayaa sheegay in weerarkaasi lagu dilay 2 haween oo ka tirsanaa Shaqaalaha Jaamacadda, iyadoo 2 Askari, Dareewal iyo dhowr Arday ku dhaawacmeen Weerarkaasi.

Goobjooge codsaday inaan magaciisa la sheegin ayaa u sheegtay Wakaalladda Wararka REUTERS inay iyada iyo dhor arday ku baxsadeen Baskii ay la socdeen, kadib, markii dabley hubeysan tacshiirad ku fureen Kambaska Jamaacadda.

Waxay kaloo sheegtay inay aragtay Arday dhiig ka qulqulayey oo laga soo bixinayo Dhismahaasi, xilli ay Boliska galayeen Kambaska.

Dhinaca kale, Saraakiisha Boliska ayaa sheegay inaysan kala caddayn haddii ay kooxaha weerarka geystay ka tirsan yihiin Alshabaab iyo in kale. Dagalaamayaasha Alshabaab waxay horey weeraro uga geysteen gudaha Kenya, gaar ahaan Degmooyinka ku teedsan dhulka xuduudka

Dhinaca kale, Ciiddanka Kenya waxay shalay sheegteen inay 6 Dagaalyahan o oka tirsan Alshabaab ku dileen Hawlgal ay ka fuliyeen dhulka kaymaha Booni..

Afhayeenka Ciiddanka Kenya, David Obonyo waxa uu Saxaafadda u sheegay inay Hawlgalkaasi ku qabsadeen 6 qoryaha AK 37, 3 bam gacmeed iyo 321 xabbo oo rasaas ah, waa sida uu hadalka u dhigay.

Muqdisho 10ka Okoobar 2017 Guddigii loo xilsaaray in ay soo baaraan Kiiska Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi dhagax ayaa Maanta lagu waddaa in ay jawaab ka bixiyaan baaritaanadii loo xilsaaray.

Guddiga oo ka koobnaa 15 xubnood ayaa waxaa la magacaabay Horaantii Bishii hore , waxaana loo qabtay in ay maanta oo ah 10 October ay jawaab keenaan.

Guddiga ayaa lagu Waday in Warbixintooda ka horjeediyaan Baarlamaanka, laakiin waxaa xusid Mudan in Maanta uusan jirin Kulankii Baarlamaanka.

Xubnaha Guddiga loo xil saaray Kiiska Qalbi dhagax ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday Kulamo kala duwan oo ay la qaadanayeen Hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in ay dowladda Itoobiya ay ku wareejisay Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ka tirsanaa ONLF.

Arintaasi ayaa buuq badan ka dhexdhalisay Hay’addaha kala duwan ee dowladda.

 

WARARKA MAANTA Oktoobar 09, 2017 Sir Culus Yaa runta qarin kara?

Su’aalaha Maanta: Maxay tahay sababta uu Madaxweyne Mudane Maamed Cabdillaahi Farmaajo (Been-Hawaas) uga qayb-geli waayey Shirka ay Dowlad Gobaleedka Jubbaland ku martiqaaday Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada? Maxuuse Khaa’inul Waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre (Bakhti-Raamsade” uga qayb-geli waayey Shirka Dowlad Gobaleedka Jubbaland ku martiqaaday Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada? Waxaa xaqiiqo ah inay Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedka fahansan yihiin inqilaabka ay Dowladda Federaalka u soo maleegtay sdii ay uga takhalusi lahayd Dowlad Gobaleedyada iyo Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada kuwaasoo wada qaatay magaca madaxxweyne isla-markaasna sheki weyn geliyey yaa waddanka madaxweyne rasmi ah ka maadaamo dowlad gobaleed walba ay siday rabto heshiisyo ula soo galayso ururo iyo dowladdo shisheehe ah!

Muqdisho Oktoobar 09, 2017 Wararka naga soo gaaraya inta u dhaxeysa Degmooyinka Wadajir iyo Dharkinley ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in rag hubeysan ay goordhaweyd dhaawaceen  Mas’uul ka Tirsan Dowladda Soomaliya.

C/laahi Shiikh Cumar oo ah Agaasimaha waaxda shaqaalaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaliya ayaa la weeraray xili uu gaarigiiisa shidaal ku shubanayay.

Qaar  ka mida Dadkii goobta ka Dhowaa  ayaa sheeeg in dhaawac uu soo gaaray mas’uulka ka Tirsan wasaaradda gaadiidka iyo duulista Hawada Xukuumadda  Federaalka Soomaliya, islamarkaana dhaawiciisa loo qaaday isbitaaladda Magaaladda Muqdisho.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga ragii ka dambeeyay falkaan.

Kismaayo Oktoobar 09, 2017 Adolf Hitler Hogaamiyahii hore ee Dalka Jarmalka ayaa xiligii uu qabsanayey dalal badan oo reer yurub ah baa beri lagu yiri dadkii ugu doqonsanaa uguna xumaa xaga damiirka ee aad la kulantay waa kuwee?

“Waxuu yiri waa kuwo daba dhilifyo ahaa oo anigoo wadankooda ku duulayo igu caawiyay burburintiisa garabna igu siiyay qabsashadiisa

Hitler kuwaa uu sheegayo ee Daba dhilifyada ah ee Ajnabiga uu ku adeegto raalina ka ah in dalkooda hooyo lagu bur buriyo waxaa waqtigan hormuud u ah siyaasiyiintii fashilmay ee Badda Soomaaliya iibsaday iyo Madaxda Maamul Goboleedyada ama hogaamiye kooxeedyada cusub loogu yeero.

Hadaba marka aan usoo daadego dulucda qormadan sida la ogyahay waxaa Magaalada Kismaayo shir uu uga socdaa Madaxda Maamul goboleedyada waxaana ujeedooyinka shirkaas iyo waxa uu daaran yahay si aan xogo dheeri ah uga helo aan la xiriirey qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo iyagu si dhaw ula socda shirkaas qabashadiisa waxaana ay ii xaqiijiyeen in shirkaas dabada ay ka riixeyso dhaqaalena ay ku bixisay dawladda Imaaraadka Carabta.

Xildhibaanada arintan ii xaqiijiyey waxa ay ka mid yahiin mudanayaashii dhawaan mooshin ka gudbiyey Imaaraadka Carabta oo ay ku eedeeyeen in ay fara gelin ku hayso siyaasada arimaha gudaha ee Soomaaliya.

Waxaa la yiraahdaa taariikhda waxaa laga bartaa taxanaha isdaba jooga ee dunidu soo martay waxayna kala huftaa Geesiga iyo Fuleyga Halyeeyga iyo Habacsanaha, Deeqsiga iyo Baqaylka, Waddaniga iyo Qaa’inka.

Sida la ogyahay Soomaaliya intii ka dambeysay bur burka dawladdii hore waxaa meel walba oo ciida soomaaliyeed ah buux dhaafiyey Madax Daba Dhilifyo iyo Jawaasiis ay ku adeegtaan cadawyada faraha badan ee Soomaaliya ay leedahay gaar ahaan Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta oo haatan kusoo biirtey.

Dabadhilif iyo Jaasuus marka qeexitaan lagu sameeyo qadiyadoodu waxa ay ku xiran tahay waa qadada,xoogaga shilimaadka ah iyo jago been ah oo la siinayo iyagoo waxyaabahas aan micnaha weyn laheyn ku iibsanaya ama ku bedalanaya bur burinta Diintooda,Dadkooda iyo Dalkooda.

Taariikhdu iyadaa is qorta, ruux waliba waxaa lagu qori doonaa labada Buug midka madow ama midka cad midkood iyadoo geesiyada wadaniga ah had iyo jeer lagu qoro “Buuga Dahabka ah” ee Alle uu la doonay kuwa xaqa u dagaalama duligana aanan aqbalin, difaacana diintooda, dadkooda iyo dalkooda, cidna aanan uga haybaysan rabitaanka shacabkooda, cadowgana aan ka baqin ee iska celiya.kuwaas oo dhab ahaantii aduunkana Sharaf,Cisi iyo Karaama ku noolaada, Aakhirana baraare iyo ku waara Janatul Fardowsa,ummadda ka dambeeysa ee ku abtirsatana ay ku naaloodaan sharaftii iyo karaamadii ay u soo hooyeen dadkooda iyo dalkooda.

Dhinaca kalena waxaa jira adeegayaal daba dhilifyo ah oo gumeysiga uu ku shaqeysto, ma damqadayaal xariga gumeystaha uu ku dabayo walaalkood soo diyaariya kuwaasna ummaddu waxa ay ku qortaa “Buuga Madow” iyagoo damiir laawayaashaas gumeysiga uu ku shaqeysanayo inta ay nool yahiin oo dunida ay joogaan waxay ku noolanayaan Sharaf daro, Uur ku taalo,Dhag xumi taariikhda u gasha iyo dulinimo ay ku dambeeyaan waxaana magac xumidaas ay xitaa dhaawaceysaa oo bar madow ku noqoneysaa caruurtooda iyo eheladooda.

Ugu dambayntii dadka wadaniyiinta Soomaaliyeed ee sida xooga leh u diidan fara gelinta shisheeyaha ayaa marka ay qiimeeyeen shirka ka socda Magaalada Kismaayo oo ah mid duulaan ku ah qaranimada soomaaliyeed waxa ay yiraahdeen shartiisa hagoogan Alle ayaan ka magan galnay shar gudan iyo shaydaan xijaaban.

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Dowlad Gobaleedka Oktoobar 09, 2017 Hitler kuwaa uu sheegayo ee Daba dhilifyada ah ee Ajnabiga uu ku adeegto raalina ka ah in dalkooda hooyo lagu bur buriyo waxaa waqtigan hormuud u ah siyaasiyiintii fashilmay ee Badda Soomaaliya iibsaday iyo Madaxda Maamul Goboleedyada ama hogaamiye kooxeedyada cusub loogu yeero.

Hadaba marka aan usoo daadego dulucda qormadan sida la ogyahay waxaa Magaalada Kismaayo shir uu uga socdaa Madaxda Maamul goboleedyada waxaana ujeedooyinka shirkaas iyo waxa uu daaran yahay si aan xogo dheeri ah uga helo aan la xiriirey qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo iyagu si dhaw ula socda shirkaas qabashadiisa waxaana ay ii xaqiijiyeen in shirkaas dabada ay ka riixeyso dhaqaalena ay ku bixisay dawladda Imaaraadka Carabta.

Xildhibaanada arintan ii xaqiijiyey waxa ay ka mid yahiin mudanayaashii dhawaan mooshin ka gudbiyey Imaaraadka Carabta oo ay ku eedeeyeen in ay fara gelin ku hayso siyaasada arimaha gudaha ee Soomaaliya.

Waxaa la yiraahdaa taariikhda waxaa laga bartaa taxanaha isdaba jooga ee dunidu soo martay waxayna kala huftaa Geesiga iyo Fuleyga Halyeeyga iyo Habacsanaha, Deeqsiga iyo Baqaylka, Waddaniga iyo Qaa’inka.

Sida la ogyahay Soomaaliya intii ka dambeysay bur burka dawladdii hore waxaa meel walba oo ciida soomaaliyeed ah buux dhaafiyey Madax Daba Dhilifyo iyo Jawaasiis ay ku adeegtaan cadawyada faraha badan ee Soomaaliya ay leedahay gaar ahaan Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta oo haatan kusoo biirtey.

Dabadhilif iyo Jaasuus marka qeexitaan lagu sameeyo qadiyadoodu waxa ay ku xiran tahay waa qadada,xoogaga shilimaadka ah iyo jago been ah oo la siinayo iyagoo waxyaabahas aan micnaha weyn laheyn ku iibsanaya ama ku bedalanaya bur burinta Diintooda,Dadkooda iyo Dalkooda.

Taariikhdu iyadaa is qorta, ruux waliba waxaa lagu qori doonaa labada Buug midka madow ama midka cad midkood iyadoo geesiyada wadaniga ah had iyo jeer lagu qoro “Buuga Dahabka ah” ee Alle uu la doonay kuwa xaqa u dagaalama duligana aanan aqbalin, difaacana diintooda, dadkooda iyo dalkooda, cidna aanan uga haybaysan rabitaanka shacabkooda, cadowgana aan ka baqin ee iska celiya.kuwaas oo dhab ahaantii aduunkana Sharaf,Cisi iyo Karaama ku noolaada, Aakhirana baraare iyo ku waara Janatul Fardowsa,ummadda ka dambeeysa ee ku abtirsatana ay ku naaloodaan sharaftii iyo karaamadii ay u soo hooyeen dadkooda iyo dalkooda.

Dhinaca kalena waxaa jira adeegayaal daba dhilifyo ah oo gumeysiga uu ku shaqeysto, ma damqadayaal xariga gumeystaha uu ku dabayo walaalkood soo diyaariya kuwaasna ummaddu waxa ay ku qortaa “Buuga Madow” iyagoo damiir laawayaashaas gumeysiga uu ku shaqeysanayo inta ay nool yahiin oo dunida ay joogaan waxay ku noolanayaan Sharaf daro, Uur ku taalo,Dhag xumi taariikhda u gasha iyo dulinimo ay ku dambeeyaan waxaana magac xumidaas ay xitaa dhaawaceysaa oo bar madow ku noqoneysaa caruurtooda iyo eheladooda.

Ugu dambayntii dadka wadaniyiinta Soomaaliyeed ee sida xooga leh u diidan fara gelinta shisheeyaha ayaa marka ay qiimeeyeen shirka ka socda Magaalada Kismaayo oo ah mid duulaan ku ah qaranimada soomaaliyeed waxa ay yiraahdeen shartiisa hagoogan Alle ayaan ka magan galnay shar gudan iyo shaydaan xijaaban.

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Turkiga Iyo Maraykanka Oktoobar 09, 2017 Turkiga ayaa afgambigii dhicisoobay ku eedeeyay Fethullah Gulen Dawkadda Turkiga iyo Maraykanka ayuu soo kala dhexgalay muran qunsiliyad ka billawday, waxayna labadooduba joojiyeen inta badan dal ku galkii ay muwaadiniinta kale siin jireen.

Safaaradda Turkiga ee Washington ayaa sheegtay in ay u baahan tahay in ay dib u qiimaynayso, sida ay dawladda Maraykanka uga go’antahay ammaanka shaqaalahaha iyo hawlahooda.

War midkaas aad ugu dhaw ayay mar hore soo saartay safaaradda Maraykanka ee Ankara.

Arrintan ayaa timid iyadoo la qabtay qof ka shaqaynayay qunsuliyadda Maraykanka ee Istanbul, isaga oo lagu tuhunsan yahay in uu calaaqaad la lahaa wadaadkii lagu eedeeyay afgambigii dhicisoobay ee Turkiga ka dhacat sannadkii hore.

Maraykanka ayaa arrintaas ku tilmaamay mid aan sal iyo raad lahayn ayna dhaawacayso xiriirkii laba geesoodka ahaa.

Shaqaalaha qunsuliyadda ee la xiray ayaa ahaa muwaadin Turkiga u dhashay, sida ay ku warrantay Anadolu.

Muqdisho Oktoobar 09, 2017 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caawa ka qeyb gaay munaasabad lagu soo bandhigeyey waxii u qabsoomay Guddiga Taakuleynta Ciidanka qalabka sida, ee dhawaan uu magacaabay Madaxweyne JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddiga ayaa sheegay iney diyaariyeen dariiq ay Shacabka Soomaaliyeed ku soo gaar siin karaan kaalmada ay ugu talagaleen in lagu caawiyo ciidankooda.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa xusay muhiimadda ay Ciidamadu u leeyihiin dal kasta iyo sida Soomaaliya ay maanta ugu baahan tahay soo celinta karaamadii ay lahaayeen ciidankeenu. Isagoona baaq ku aaddan iney ciidamadooda taageeraan u diray bulshada Soomaaliyeed, ay garab istaagaan hawlaha lagu horumarinayo dhismaha dawladnimada.

Mudane Khayre ayaa balan qaaday in Xukuumaddu ay 20 kun dollar siin doonto gudiga taakuleynta Ciidamada si loo dar-dargeliyo hawlaha gudiga.

Munaasabadan ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dawladda, maamulka gobolka Banaadir, saraakiil iyo siyaasiyiin.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka

Carabta Oktoobar 09, 2017 Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa  ku dhawaaqay in dhammaan waraaqihii lagu codeynaayay iyo agabkii kale ee lagama maarmaanka u ahaa doorashada madaxtooyada Somaliland ay soo gaareen magaalada Hargeysa.

Afhayeenka guddiga doorashooyiinka Soomaliland Saciid Cali Muuse , ayaa sheegay in qalabkani doorashada laga keenay dalka Imaaraadka carabta.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in qalabkani oo warqadaha codaynta iyo foomamka ay ka mid yihiin ay soo gaareen Hargeysa .

“Waxa aan u xaqiijinayaa dadka Somaliland in wax alaale iyo wixii la doonayay in doorasho lagu galo guddiga doorashooyiinka qaranka wax ka maqan haba yaraatee ma jirto ” ayuu yri mr Saciid.

Afhayeenka guddiga doorashooyiinka Soomaliland Saciid Cali Muuse ,oo waraysi siinayay BBC ayaa sheegay in qandaraaska daabacaada warqadaha codeynta ay siiyeen shirkada Al Qureyr ee fadhigeedu yahay dalka Imaraadka Carabta.

Mr Saciid ayaa intaa ku daray in ay sugi doonaan ammaanka qalabka doorashada islamarkana ay wax waliba hubiyeen.

Doorashada Somaliland ayaa lagu wadaa in ay dhacdo 13 Nofembar 2017.

Dowlad Gobaleedka Puntland Oktoobar 09, 2017 Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso Ee xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in Weerar lagu qaaday Bar-koontorool oo Ciidamada Puntland ay ku leeyihiin Magaalada Boosaaso Ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Weerarka ayaa la sheegay in ay ku dhinteen Saddex Askari oo ka tirsan Ciidamada Maamulka Puntland islamarkaana ay ku dhaawacmeen illaa 10 kale.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Koox Hubeysan ay Weerar ku soo qaadeen Kontorool ay joogeen Ciidamada Puntland,waxaana halkaas ka dhacay Dagaal Mudo Saacado ah qaatay.

Magaalada Boosaaso ee Gobolka bari ayaa Dhowr jeer waxaa Weeraro ka geystay Al-shabaab iyo Daacish,balse weli ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay Weerarka Xalay lagu qaaday Ciidamada Puntland.

Kenya Oktoobar 09, 2017 Mucaaradka Kenya ayaa dhigaya banaanbaxyo ay uga soo horjeedaan gudiga doorashooyinka

Dalka Kenya weli waxaa ka taagan muran u dhaxeeya muaacaradka iyo isbahaysiga Jubilee. Mucaaradku NASA ayaa waxaa ay dalbanayaan in isbadal lagu sameeyo xubnaha gudiga doorashooyinka oo ay leeyihiin waa in la bedelaa qaar ka mid ah xubnaha guddiga doorashada.

Sidoo kale mucaaradku waxay ku baaqeen banaanbaxyo looga soo horjeedo qaabka ay wax u wadaan guddiga doorashada, balse dowladda ayaa ku adkaysanaysa in isbadal aanan lagu samaynin gudiga doorashooyinka oo sidooda loo daayo.

Rabshado ayaa ka dhashay banaanbaxyo dhowr toddobaad ee la soo dhaafay ay dhigeen mucaaradka Kenya, kuwaa oo ka dhacay magaalooyinka ugu waaweyn dalka, waxaana doorashada ku celiska ah loo ballansan yahay inay dhacdo 26-ka bishan Octobar in la qabto.

Waxaana dalka ka socda ololoe xoogan oo ay wadaan isabahaysiga Jubilee ee madaxweyne Uhuru Kenyatta. Maxkamadda saree ee dalka Kenya ayaa waxba kama jiraan kasoo qaaday doorashadii dhacday bishii Agoosto,ka dib markii la sheegay in wax la isdaba mariyay. Cabsida ugu weyn ee la qabo ayaa ah in mucaaradka ay ka baaqsadaan doorashada inay ka qayb galaan.

Muqdisho Oktoobar 09, 2017 Ciidamada amaanka maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay Doon laga leeyahay dalka Iiraan oo la sheegay inay si sharci daro ah u kalluumeysanaysay xeebaha Puntland.

Ciidamada illaalada Xeebaha Puntland ayaa dhaawacay mid kamid ah shaqaalaha doonta saarnaa iyadoo gacanta lagu hayo kabtankii waday doonta.

Doonta ayaa maalmo ka hor lagu arkay gudaha Badda deegaanada Puntland.

Korneel Maxamed Cabdi Xaashi oo ah Taliyaha Ciidamada Dekedda Boosaaso ayaa sheegay Ciidamada ammaanka in ay gacanta ku dhigeen Doontan oo laga leeyahay dalka Iiraan, iyadoo ay saarnaayeen 18 qof, intii uu howlgalkan socdayna lagu dilay mid ka mid ah raggii Doonta la socday, halka mid kalena uu dhaawacmay.

Dowlad Gobaleedka Galmudug Oktoobar 09, 2017 Xildhibaanadii Xilka ka qaaday Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug Maxamed Aadan Macalin laga dhigay Xabsi guri.

Waxa ay sheegeen in Ciidamo ka amar qaata Madaxweynaha Galmudug ayaa la sheegay iney Xabsi guri ka dhigeen Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug islamarkaana loo diiday wax dhaq dhaqaaq ah.

Xildhibaan Axmed Yuusuf Cige oo ka mid ah Xildhibaanada Xilka ka qaaday Madaxweynaha Galmudug  ayaa sheegay in magaalada uusan ka bixi Karin Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug, oo Ciidamo ay ku hareereysan yihiin.

Dhanka kale Xildhibaan Axmed Yuusuf Cige ayaa sheegay in shirka ka furmay Magaalada Kismaayo uu yahay shir lagu burburinayo Maamulka Galmudug, isaga oo sidoo kale tilmaamay in aysan aqbali doonin go’aanada shirka ka soo baxa.

Waxa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in la tixgeliyo sharciga dalka iyo Dastuurka Maamulka Galmudug.

WARARKA MAANTA Oktoobar 06, 2017 Sir Culus Yaa runta qarin kara?
Su’aalaha Maanta: Maxuu u qaban karaa Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo (Been-Hawaas) Ummadda Soomaaliyeed mar haddii uu wax heshiis ah kala dhex dhigi waayey walaashiis, hooyadiis iyo xaaskiisa? Nala dhegaysta hee nin qoyskiisa maamuli waayey ayaa madaxweyne idiin ah oo waliba haddaba sidaa Madaxweynihii hore ee Damu-Jadiid Mudane Xassan Shiikh Maxamuud diidan inuu gobalka Banaadir helo xuquuqdiisa gobalnimo sida goballada kale ee dalka kuwaasoo leh maamul goballeedyo? udane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo (Been-Hawaas) Ummadda Soomaaliyeed Iyo Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” uga takhaluseen Madaxweynihii Maamulka Hirshabeelle Iyo Madaxweynihii Maamulka Galmudug oo ay ku bixiyeen lacago farabadan oo ah lacagihii la siin lahaa shaqaalaha dadweynaha iyo ciidamadda? Haddii aanu nahay madaxda warbaahinta waxaa waajib nagu ah in aanu Ummadda Soomaaliyeed u soo bandhigno runta ayadoo hadda la soo qaadi doono lacago farabadan oo lagu daabacay dalka Suudaan si lacagaha doolarka looga furto Ummadda Soomaaliyeed.
 
https://www.youtube.com/watch?v=zXaL2MnJAIs
 
Muqdisho Oktoobar 06, 2017 Wasiirka Wasaarada Maaliyadda ee Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa faah faahin ka bixiyay qorshaha ay Dowladda wado oo ah soo daabicista lacago cusub.
 
Wasiirka ayaa sheeegay in Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Bankiga Aduunka ay socdaan qorshe lacago cusub lagu soo daabacayo.
 
Waxa uu sheegay Wasiir Bayle in ay muhiim tahay in Soomaaliya ay lacago cusub soo daabacdo islamarkaana ay ka shaqeynayaan hormarinta lacagahaasi, isaga oo sidoo kale tilmaamay in tirada lacagaha la soo daabacayo la isku afgartay balse ay socdaan qorshaha lagu daabici lahaa oo keliya.
 
“Waxa haray waxa weeye lacagtii, lacagtan lagu daabici lahaa oo aan lacag yar aheyn aya dhiman, taasina aad baan uga wada shaqeyneynaa World Bankiga, IMF iyo annaga.” Ayuu yiri Wasiir Bayle.
 
Dowladda Federaalka ee Somaaliya xilligaan adag ee lagu jiro waxaa lagama maarmaan ah in dalka ay u sameyso lacago daboola baahida bulshadu u qabto fududeynta adeegyada ganacsiga.
 
Muqdisho Oktoobar 06, 2017 Omar Abdirashid Ali Sharmarke Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somaaliya ,hada waa la taliyaha Dowladda Imaraatka arimaha Somaaliya xaruntiisa waa Dubai.
 
Wada shaqeynta oo ah qaab qarsoodi ah ayaa waxa uu ku helay aduun lacageed oo ku fillan noloshiisa.
 
Horey waxa uu qeyb ka ahaa saxiix & heshiis muran dhaliyay oo ku saabsan badda Somaaliya .
Markale waxa lagu sheegay qoraal inuu qeyb ka ahaa Saxiix Dekaddaha Berbera iyo inuu dhiiri galiyay la wareegida tan Bosaaso.
 
Waxa uu ku heli donaa abaal gud lacageed ku gulleysashada in lala wareego Hobyo ,Marka ,Kismaayo iyo Baraawe , hasayeshee waxa adkaan doonto Dekadda Baraawe oo hada gacanta Dowlada ku jirto sida qoraal lagu daabacay.
 
Sanadii 2015 waxa uu si qarsoodi ula kulmay isagoo ah RW ninka lagu magacaabo Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi oo ah Safiir Imaraadka Muqdisho ,waxaana lagu heshiiyay iskaashi arimaha Siyaasada oo dhameystiran .
 
Imaraadka oo ku xadgudbaya madax-banaanida Somaaliya ayaa hadana heshiisyada ka dhigaya ansax ; waxaa qeyb ka ah RW .
 
Raiisul Wasaare Masuul ka ahaa dalkiisa oo burbursan oo isku badalay la taliye dal kale arimaha dalkiisa ;waxa ay noqon kartaa qiyaano , basaasnimo iyo wardoon .
 
Aabihii oo beri Somaaliya ka ahaa Madaxweyne waxa uu ahaa halyeey wadani oo Somaaliya u qabtay arrimo badan oo hormar ah.
 
Bangiga Adduunka Oktoobar 06, 2017 Warbixinta Bankiga Aduunka uu soo saaray ayaa waxa ay taabaneysaa heerka nolosha iyo saboolnimada baahday ee ka dhalatay deganaanshiya la’aanta, Abaaraha soo noq noqday iyo shaqo la’aanta ku habsatay dadka ku sugan gobolada Soomaaliya.
 
Gobolka ayaa sida warbixinta Bankiga Aduunka lagu sheegay wuxuu wajahayaa Abaaro daba dheeraaday oo daran, taasi oo keentay in dad ku dhow Shan boqol oo Kun oo dad ah ay ku jiraan xeryaha barakacayaasha iyo dhulka fogfog ee baadiyaha.
 
Bankiga Aduunka warbixintiisa waxaa sidoo kale lagu sheegay in ay sii xumaaneyso xaaladaha cunto, sababo la xiriira Roobabkii gu’ga oo la waayay intii u dhaxeysay October 2016-kii ilaa Sanadkan Bishii March.
 
Sida ku qeexan warbixintan ku dhowaad Lix Milyan oo dad ah ayaa ku sii jiri doona dhibaatadan, gaar ahaana kuwa ku dhaqan gobolada Baay iyo Bakool, iyo gobolada reer guuraaga ah ee Waqooyi Bari, iyada oo ay keeni doonto in la waayo dalaga, sidoo kalena ay sii dhintaan xoolo.
 
Macluumaad dheeri ah oo Worl Bankiga uu sameeyay ayaa waxa ay ku aruuriyeen gugii la soo dhaafay ee sanadkii 2016-kii qiyaastii dad ku dho dhow 4.9 Milyan oo ku dhaqan meelaha la tagi karo amni ahaan ee baadiyaha in uu ku habsaday faqri baahsan.
 
Ka sokow dadka baadiyaha ah waxaa warbixintan lagu sheegay in xeryaha dadka barakacayaasha ah ee ka jirto gaajo iyo saboolnimo lagu sheegay in 10-kii qof ee ku nool halkaasi Todobo ka mid ah ay yihiin faqiiriin.
 
Maamulka Koonfur Galbeed Oktoobar 06, 2017 Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa wuxuu markale sheegay in ay ka soo horjeedaan go’aankii Dowladda dhexe ay ka qaadatay khilaafka Khaliijka, oo ay taageersan yihiin xulufada Sacuudiga.
 
Kulan shalay Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ku yeesheen Baydhabo, kadib hadal uu warbaahinta siiyay Wasiirka Warfaafinta ayuu ku sheegay in ay ku celinayaan in ay taageersan yihiin xulufada Sacuudiga.
 
Wuxuu kaloo sheegay Wasiirka Warfaafinta Ugaas Xasan Cabdi Maxamed shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Koonfur Galbeed in ay abaal u hayaan Imaaraadka iyo Sacuudiga, maadaama ay mar walba caawiyaan.
 
Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay shirka Axada ka furmaya magaalada Kismaayo in ay ka qeyb geli doonaan wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
 
Maraykanka Oktoobar 06, 2017 Donald J. Trump Madaxweynaha Wadanka Mareykanka ayaa u muuqda in uu soo afjarayo heshiisyadii dhanka hubka Nuclearka oo horey loola galay Dalka Iiraan, Mr Trump ayaa dib ugu celin doono aqalka Congareeska si cunaqabateyn cusub loo saaro Iran.
 
Todobadka soo socda ayaa lafilayaa in uu madaxweyne Donalda Trump uu jeediyo khudbad uu kaga hadlayo qorshaha Washington ay ku wajahayso barnaamijka Nuclearka ee Iiraan,sida ay sheegeen saraakiil katirsan Wasaaradda Difaaca Mareykanka.
 
Go’aankan ayaa la sheegay inuusan gabi ahaanba burburin doonin heshiiskii 2015-ka, balse taasi badalkeeda loo wareejin doono Kongareeska oo muddo 60 cisha gudahood go,aan uga gaari doono in Iran la saro cunaqabteyn cusub.
 
Sidoo kale Burinta heshiiskan ayaa albaab u fureysa wadahadalo cusub oo ku saabsan heshiiska niyukleerka Iran, hase yeeshee madaxweynaha Iran Hassan Rouhani ayaa sheegay in aysan wadahadal ka geli doonin arrintani.
 
Madaxweyne Trump oo ka hadlayay kulan gaar ah oo uu Aqalka Cad kula yeeshey saraakiisha milateriga ayuu sheegay inay qasab tahay inay soo afjaraan hanka nukliyeerka ee Iiraan, iyo sidoo kale waxa uu ugu yeeray daandaansigeeda Bariga Dhexe.
 
Maamulka Jubbaland Oktoobar 06, 2017 Meydka laba nin oo Ka Ganacsada Dhuxusha ayaa la geeyay degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose kuwaas oo shalay labsheegay in lagu dilay deegaanka Wareeg Kismaayo ee isla Gobolkaas.
 
Labadaan Nin ee Ganacsatada ah ayaa dilkooda waxaa ka soo baxaya warar kala duwan Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen in ay ka dambeeyeen dilkooda Al-Shabaab.
 
Dhanka kale ehelada ragga la dilay ayaa iyana waxa ay dhankooda sheegeen in Maalmihii u dambeysay ay taagneed xiisad u dhaxeysay dadka Dhuxusha shida iyo Al-Shabaab oo diidan in Dhirta la guro.
 
Maanta ayaa la filayaa in Degmada Badhaadhe ee Gobolkaasi Jubbada Hoose lagu aaso labadaasi nin ee ka Ganacsada Dhuxusha balse shalay Gelinkii dambe lagu dilay deegaanka Wareeg Kismaayo.
 
Laatiin Ameerika Oktoobar 06, 2017 Magaalooyin badan oo Costa Rica ku yaalla ayay daadad xoog badan ku dhufteen
 
Dabaylo roobab mahiigaanno ah wata ayaa lagu soo warramayaa in ay ugu yaraan 22 ruux ku dileen Costa Rica, Nicaragua iyo Honduras ka hor intii aysan u jihaysan Maraykanka.
 
Xaalad degdeg ah ayaa lagaga dhawaaqay dalal ku yaalla Badhtamaha Ameerika, halkaas oo lagu la’yahay 20 ruux.
 
Roobab mahiigaanno ah oo da’ay ayaa sidoo kale sababay, dhul go’ay iyo daadad gooyay waddooyinkii, iyadoo buundooyinna ay burbureen.
 
Sidoo kale guryo badan ayay waxyeelo ka soo gaartay roobabkaasi.
 
Ku dhawaad 400,000 oo kun oo ruux ku nool dalka Costa Rica ayaan haysanin biyo qasabadaha ka socda, kumannaan ruuxna waxay seexdaan goobo dadka loo diyaariyay.
 
Ugu yaraan lix ruux ayuu ku dhintay duufaanta halkaas ka dhacay, 11 ruux oo kaleetana waxay ku dhinteen markii ay u warreegtay dhanka waqooyi ee ay gaartay Nicaragua.
 
Dad lagu qiyaasay 5,000 oo ruux oo reer Costa Rica ah ayaa ku nool goobo ku meelgaar ahSaddex ruux ayaa ku dhimatay Honduras kuwo kale oo badanna waa la la’yahay.
 
Dhammaan khadadkii tareenka ee Costa Rica ayaa la xiray duulimaadyo badanna waa la baajiyay Khamiistii.
 
Beero xayawaan oo badan oo heer qaran ah oo caan ku ah dalxiiseyaasha ayaa iyagana albaadaba loo laabay ka hortag ahaan.
 
Meelaha ugu badan ee ay ka dhacday waxyeelada Nicaragua waa dhanka xeebta Caribbean
 
Khartuum Oktoobar 06, 2017 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Suudaan Mudane Cumar Xasan Albashiir oo si wadajir ah saxaafadda ula hadlay ayaa bogaadiyey wada-xaajoodyada ku aaddan iskaashiga Soomaaliya iyo Suudaan, iyaga oo dhabbaha u xaaray heshiisyo taariikhi ah oo ay wada saxiixdeen labada dowladood.
 
Madaxweynaha dalka Suudaan Mudane Cumar Xasan Al-bashiir ayaa ka hadlay ahmiyadda ay leedahay iskaashi buuxa oo dhexmara Soomaaliya iyo Suudaan iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in kor loo qaado xiriirka ka dhexeeya wadamada Geeska Afrika.
 
“Mudane Madaxweyne, muddo labo maalmood ah oo aad nala joogteen aad bay noo farxad galisay. Maanta baahi wayn ayaan u qabnaa in aan garabkeenna ka aragno Soomaaliya oo midaysan, horumarsan oo awood leh, waana naga go’antahay in aan garab idinku siinno.”
 
Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dhankiisa uga mahad celiyey Madaxweynaha iyo shacabka Suudaan sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu bogaadiyey kaalinta Suudaan ay ka qaadatay waxbarashada ardayda iyo tayeynta laamaha ammaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
 
Madaxweynaha ayaa yiri “waxaan ku xaqiijinaaya Mudane Madaxweyne in higsigeenna ku aaddan iskaashiga iyo horumarka uu mira dhal u muuqda, haddii aan Alle kaashanno, kana dhabayno qorsheyaasha aan hiigsaneyno.”
 
Intaas kaddib, Wasiirada labada dowladood ee wada xaajoodka ka qayb galay waxa ay heshiisyo ku kala saxiixdeen xarumaha Wasaaradaha Dowladda Suudaan. Heshiisyadan ayaa ku saabsan amniga, iskaashiga caalamiga ah, waxbarashada, beeraha, fanka, ciyaaraha, socdaalka iyo duulista hawada. Diblomaasiyiinta ka hawlgala Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa iyagana tababarro ku qaadan doona dalka Suudaan.
 
Fulintan heshiisyadan ayaa waxaa loo xilsaaray guddi isku dhaf ah oo ka kooban labada dowladood kuwaas oo yeelan doona kulamo joogto ah. Waa heshiisyadii ugu ballaarnaa ee ay galaan taniyo markii uu soo bilowday xiriirka labada dawladood.
 
Dhanke kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa galinkii hore kormeeray warshadda lacagta, gaar ahaan kayd ay ku jirto lacag cusub oo dowladda Suudaan ay u daabacday Soomaaliya oo hawsheedu ay soo bilaabatay 2011kii iyo warshadda Yarmuuk ee soo saarta qalabka ciidamada.
 
Dhammaad
 
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir
 
Oktoobar 06, 2017

WARARKA MAANTA Oktoobar 04, 2017 Sir Culus

Su’aalaha Maanta: Maxuu Xildhibaan Mudane Aamiin Jeesoow u kashifay aqoon darrada iyo beenta uu caadaystay Wasiirka Warfaafinta Eng. Mudane Cabdiraxmaan Yarisoow oo isku dayey inuu qariyo shirkaddaha sida sharci-darro ah uga dhex shaqeynaya gudaha Soomaaliya asagoo xitaa khaldaya magaca dowladda uu ka tirsan yahay oo uu Xildhibaan Jeesoow si xeelladaysan u saxay wasiirka oo indho-adeeg maciin-biday? Maxuu Wasiirka Warfaafinta Mudane Eng. Cabdiraxmaan Yariisoow u malaynayaa inuu qarin karo shirkaddaha sida sharci-darrada ah ugua dhex shaqeeya gudaha Soomaaliya? Maxuu qarin karaa macdanta ay sida khaldan u qarin karaa? Wasiirka Warfaafinta Eng. Mudane Cabdiraxmaan Yarisoow oo dhowr mar isku-dayey inuu warbaahinta ku amro inaysan wax warbixin ah ka qorin shirkadda sida sharci-darradaha uga dhex shaqeeya Soomaaliya asagoo waliba og inay si sharci-darro ah uga dhex shaqeeyaan gudaha Soomaaliya.  Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesoow oo si fiican u sharaxay 140 shirkaddood oo aan cashuur bixin oo si khaldan u gurta macdanta dalka! Yaa qarin Kara runta?

Maamulka Koonfur Galbeed Oktoobar 05, 2017 Shalay Magaaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa mudo kadib dib ugu soo laabtay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya kaas oo si aan horay loo arag loo soo dhaweeyay balse waxaa barbar socda xildhibaanada Maamulkaas qaarkood oo dhaliilsan Siyaasadiisa.

Xildhibaan Dubad Maxamed Dhaqane oo ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in Shariif Xasan uusan wax u qaban dadka dega deegaanada Koonfur Galbeed marka laga reebo in uu kursigiisa ilaashaday sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in Shariifka uu jebiyay Dastuurka Koonfur Galbeed islamarkaana uu qaatay go’aan aan loo dirsan oo u ula jeeday mowqifka uu ka qaatay khilaafka Wadamada Khaliijka.

Isagoo sii hadlayay ayaa waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in Shacabka qaarkood ay u geeriyoodeen abaar iyo sidoo kale in deegaano badan oo ka tirsan koonfur Galbeed lala wareegay.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in 16 Bishan uu furmi doono kulanka Baarlamanka kaas oo ay go’aan kaga gaari doonaan Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Boosaaso Oktoobar 05, 2017 Kooxda Daacish ayaa sheegatay Mas’uuliyada Weerar lagu dilay qof shacab ah, laguna dhaawacay taliye ku xigeenkii Saldhiga Baalade C/raxmaan Barre Saalax.

Weerarka ayaa ka dhacay Maqaayad shaah laga cabo oo ku taala gudaha magaalada Boosaaso, waxaana Kooxdii Weerarka soo qaaday ay ka baxsadeen goobta. Kooxda Daacish ayaa ka mid ah Kooxaha ay dagaalka kula jirto Maamulka Puntland, kuwaas oo ku Ku Sugan Buuralayda degmada Qandala ee gobolka Bari.

Laamaha amniga Puntland ayaan illaa iyo hadda ka hadlin qofka rayid ah ee xalay ka dilay iyo Sarkaalka la beegsaday Boosaaso.

Si kastaba ha ahate, arrimahan ayaa kuso beegamaya xilli laamaha amniga ay maalmihii ugu dambeeyay hawlgalo amaanka kor loogu qaadayo ka wadeen Boosaaso.

Las Vegas Oktoobar 05, 2017 Haweenaydii ay saaxiibbaha ahaayeen ninkii 58 ruux ku dilay magaalada Las Vegas Axaddii ayaa sheegtay in aysan waxba ka ogayn wixii uu qorshaynayay saaxiibkeedii “naxariista badnaa, dacabsanaa, ee haddana afka gaabnaa.

Marilou Danley hadalkeedu wuxuu ku soo aaday saacado ka hor markii ay booliisku tilmaameen in Stephen Paddock uu ku noolaa “nolol dahsoon”.

Booliisku wuxuu sheegay in uu qorshaynayay markii hore in uu baxsado badalkii uu isagu is toogan laa, laakiin faahfaahin dheeri ah ma uusan bixinin.

Lama oga ilaa iyo hadda waxa ku qaaday in uu rasaas ku furo dadkii barxadda kaga qaybgalayay bandhig faneedka, isaga oo gaystay toogashadii ugu xumayd ee ka dhacda Maraykanka marka laga hadlayo taariikhda casiriga ah ee dalkaas.

Taliyaha booliiska deegaanka Joseph Lombardo ayaa ayaa shir jaraaid oo uu Arbacadii qabtay ka sheegay waxyaabahan:

  • Booliisku waxay heleen waxyaabo qarxa oo dheeri ah oo laga helay gaarigiisa oo yaalay huteelka uu daganaa, waxaana intaas weheliyay 1,600 oo rasaas ah.
  • Stephen ayaa khamaar ciyaarayay saacado ka hor markii uu toogashada billaabay.
  • Toddobaad ka horna wuxuu sariir ka sii qabsaday huteelka Ogden oo isna dusha ka soo fiirinaya barxaddii uu weerarka ku qaaday.

Laakiin taliyaha booliisku wuxuu intaas ku daray in aan ilaa iyo hadda war laga haynin waxa ku qaaday iyo in ay jirto cid arrintaas gacan ka siisay, waaxda dambi baarista Maraykanka ee FBI waxay sheegtay in ilaa iyo hadda aysan helin wax raad ah oo muujinaya in uu argagixiso caalami ah xiriir la lahaa.

Iraaq Oktoobar 05, 2017 Ciidammada Ciraaq ayaa sheegay in ay dib u qabsadeen Hawija oo ka mid ah goobihii ugu dambeeyay ee ku harsan gacmaha kooxda isugu yeerta Dawladda Islaamka.

Arbacadii ayay sheegeen in ay dileen 196 ruux oo ka mid ah Malayshiya ayna dib u qabsadeem 98 tuulo.

Aagaas waxaa ku nool tobannaan kun oo shacab ah oo waxay ku hoos jireen maamulka Malayshiyada tan iyo sannadkii 2014kii.

Dib u qabsashadam ayaa ka dhigaysa in hal goob oo kali ah ay ku soo hartay gacanta kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka, marka laga hadlayo dhulka ku dhereran xadka galbeed ee uu dalkaasi la wadaago Suuriya.

Kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ayaase wali gacanta ku sii haysta qaybo ka tirsan dhulka Suuriya.

Ciidammada, booliiska iyo kuwa sida milatariga u tababaran ee Ciraaq oo iskaashanaya ayaa dagaal ku qaaday “Kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka “waxayna la wareegeen bartamaha magaalada Hawija waxayna sii wadaan in ay guulo gaaraan” ayuu yiri lataliyaha ciidammadaas gaashaanle dhexe Abdel Amir Yarallah

Telefishinka dawladduna wuxuu baahiyay in ciidammadu ay si buuxda ula wareegeen Hawija oo idil.

Maamulka Galmudug Oktoobar 05, 2017 Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa kulan la qaatay xubno ka socday IGAD oo ka mid ahaa Wafdi shalay gaaray Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Maamulka Galmudug.

Xubnaha IGAD ka socday, ayaa kulan gaar ah Madaxtooyadda Galmudug waxa ay kula qaateen Madaxweyne (Xaaf) iyo Gudoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed, maadaama labadaasi masuul ay yihiin kuwa isku dhinac ah.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Galmudug, ayaa Warbaahinta u sheegay in Xubnaha IGAD ay isku dayeen inay ka dhaadhiciyaan madaxdaan sidii ay ugu qanci lahaayeen go’aankii Maxkamadda Sare ee Galmudug oo ku aadan in xilka ka qaadistooda ay tahay mid sharci ah.

Sidoo kale maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in xubnaha IGAD ka socda ay kulan la qaataan Madaxweyne Ku xigeenka Maamulka Galmudug iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi Cali Gacal Casir.

Madaxda Galmudug oo khilaaf xoogan ka dhaxeeya ayaa khilaafkooda wuxuu noqday mid cirka isku shareeray oo illaa hadda xal buuxa loo la’yahay.

Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa sheeda ka daawanaysa waxa ka socda deganada Galmudug, waxayna arinta u muuqata inay ku qanacsan tahay Dowladda dhexe khilaafka ka dhex taagan Maamulka Galmudug.

Maamulka Ahlu Sunna Oktoobar 05, 2017 Maamulka gobolada dhexe ee Ahlusuna ayaa degaanadooda waxa ay ka mamnuuceen Gaadiidka leh muraayadaha Madow, kadib war ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada maamulkaasi.

Taliyaha Ciidamada Booliska maamulka gobolada dhexe ee Ahlusuna C/wahaab Sheekh Yuusuf ayaa sheegay in maamulka uu soo saaray sharci mamnuucaya in degaanada maamulka lagu dhex kaxeeyo Gawaarida leh muraayadaha Madow.

C/wahaab Sheekh Yuusuf Taliyaha Ciidamada Booliska maamulka gobolada dhexe ee Ahlusuna ayaa ujeedka amarkan ku sheegay in uu yahay sidii loo adkeyn lahaa ammaanka guud ee degaanada maamulka.

“Waxaan halkan fariinta ugu horeysa inaan u gudbiyo gaadiidleyda hadii uu yahay gaadiidka yar iyo kuwa waa weyn ee isticmaala bacda Madow, in wixii hada ka dambeeya laga laga mamnuucay degaanada maamulka.” Ayuu yiri  Taliye C/wahaab.

Spain Oktoobar 05, 2017 Dowladda Spain ayaa ku gacan seertay baaqii uu u jeediyay hogaamiyaha Catalan, Carles Puigdemont, si waan waan loogu dhameynayo murankii ka dhashay dalabkooda madaxbanaanida Catalonia.

Xafiiska ra’iisal wasaare Mariano Rajoy , ayaa warbixin kasoo baxday lagu sheegay in dowladdu aysan aqbaleynin waxa ay ugu yeertay daandaansi.

Iyadoo ay dhawdahay suurtagalnimada in hogaamiyayaasha Catalan ay ku dhawaaqaan madaxbanaani todobaadka soo socda, ayaa dowlada Spain waxa ay ku adkeysaneysa inay kasoo horjeedo arrintaasi.

Mowqifka rasmiga ah ee Spain ayaa ah in aftididii ka dhacday Catalonia axadii lasoo dhaafay ay ahayd mid sharci daro ah, maxkamadaha Spainaa ay ku xukumeen sharci daro.

Bayaan kasoo baxay xaafiiska raisal wasaare Mariano Rajoy, ayaa looga jawaabay hadalkii hogaamiiyaha gobolka Catalan ee uu ku baaqayay in wadahadal la furo.

bayaanka ayay dowlada Spain ku sheegtay inaysan kala xaajooneyn Catolina arin sharci daro ah iyo inay aqbasho daandaansi.

Spain waxa ay intaasi raacisay in hadii Mr Puidgmont uu doonayo wadahadal ay tahay inuu sharciga dib ugu laabto, isaga oo muujinaya inuu ka laabtay hadalkiisii ahaa inuu ku dhawaaqayo madaxbanaanida Catalonia.

Dowladaha kale ee Yurub ayaa taageeray Spain,, iyaga oo sheegay in sharciga la ixtiraamo.

Suudaan Oktoobar 05, 2017 Madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiirka ee dalka Sudan waxa uu hadalkaasi ka sheegay mar uu xalay Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo kula kulmay Qasriga Madaxtooyada ee magaalladda Khartoum.

Kulanka Labada Madaxweyne waxay kaga xaajoodeen xiriirka Labada Dal iyo sidii loo xoojin lahaa Iskaashiga Somalia iyo Sudan.

Madaxweyne Al-bashiir waxa uu sheegay inay Dowladiisa diyaar u tahay inay gacan ka geysteen Soo-celinta Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia iyo  Dib-u-dhiska  Ciiddanka Milliteriga, Boliska iyo kuwa Sirdoonka ee dalka Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray inay Sudan samayn doonto wax kasta oo lagu soo celinayo Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia iyo Dib-u-dhiska Hay’addaha DFS, gaar ahaan xoojinta Awoodaha Ciiddanka Somalia iyo sare u qaadista Waxbarashada Somalia.

Dhinaca kale, Madaxweynaha DFS oo isagana ka hadlay Kulankaasi waxa uu uga mahadceliyey Dowladda Sudan dadaalka dhinacyada badan ee ay ku taageeraan Somalia.

“Waxaan eegaynaa muhiimadda badan ee Hay’adaha waxbarashadda Sudan, gaar ahaan dhinacyada Tababarka” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo intaasi ku daray inay in ka badan 6,000 oo Arday Somali ah wax ka bartaan Jaamacadaha Sudan.

Waxa kale oo uu ka hadlay Ilaha Dhaqaalaha Somalia, isagoo xusay inay Somalia lumisay in ka badan 65% Xoolaha Nool, wuxuuna Dowladda Sudan ka codsaday inay ka taageeraan dhinaca Xannaanadda Xoolaha.
Ugu dambeyntii waxaya Labada Madaxweyne is-dhaafsadeen Aragti ku aadan Muhiimadda ay leedahay inay Dowladaha Gobalka dhistaan  Urur-gobaleed Dhaqaale, si loo horumariyo wax-soo-saarka ganacsi ee dalalkaasi.

Bariire Oktoobar 05, 2017 Ciidamo Katirsan Xarakada Al-shabaab Ayaa saaka aroortii Mar kale weerar qorsheysan ku qaaday Fariisimo Ciidamada Dowlada Soomaaliya Ay Ka sameysteen deegaanka Bariire ee gobalka Shabeelada hoose.

Dagaaal Saacado Badan qaatay ayaa halkaa ku dhax maray Ciidamadii Dowlada Soomaaliya katirsanaa iyo dagaaal yaha Al-shabaabka ee Weerarka Soo qaaday.
Dadka degaanka oo ay Idaacada Simba Xiriiro la sameysay ayaa u sheegay iney maqlayeen dhawaqa rasaas culus oo ay is dhaafsanayaan ciidamada alshabaabka ee weerarka soo qaaday iyo kuwa dowlada soomaaliya oo halkaa ku sugnaa, balse waxey ka gaabsadeen iney faa faahino ka bixiyaan qasaaraha soo kala gaaray dhinacyadii degaanka bariire maanta ku dagaalamay.

Dhanka kale maamulka degaanka bariire oo aynu Xiriiro la sameynay ayaa ka gaabsaday iney ka war bixiyaan weerarka la sheegay in lagu qaaday fariisimo Ciidamada Dowlada ay ku ahaayeen degaaankaasi.

Todobaad ayaa laga joogaa weerarkii qasaaraha ba,an sababay ee jimcihii aynu soo dhaafnay lala beeegsaday fariisimo Ciidamada dowlada ay ku lahaayeen degaanka bariire ee gobalka Shabeelada Hoose

WARARKA MAANTA Oktoobar 04, 2017 Sir Culus

Su’aalaha Maanta: Maxuu Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre u rabaa inuu burburiyo Dowlad Gobaleedka Galmudug? Maxuu Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre u cayriyey Madaxweynihii Dowladda Hirshabelle Mudane Cali Cabdillaahi Cosoble? Mase maanta ma ogtahay inuu Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre gabi ahaanba kala cayriyey Mdaxweynihii Dowladda Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” Madaxweyne ku-xigeenkii ina Bakhti-Kacaan iyo Guddoomiyihii Baarlamaanka Dowladda Galmudug? Maxuu Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre ugu bixinayaa lacago farabadan inaysan siyaasaddiisa khaldan fahmi shacabka Dowladda Galmudug oo haatan xaqiiqsaday colaada dadban iyo mida toosan ee uu Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre ku hayo shacabka iyo jiritaanka Dowladda Galmudug? Maxuu lacagaha farabadan u siinayaa warbaahinta gaarka loo leeyahay si xaqiiqada loo qariyo burburinta iyo jahwareerka siyaasaddeed ee uu ku hayo Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira? Waxaa la joogaa markii ay shacabka Dowlad Gobaleedka Galmudug difaacan lahaayeen Dowlad Gobaleedkooda inta aan laga dhigin sida Dowlad Gobaleedka Khaatumo oo ay dowladdii hore ee Damu-Jadiid Mudane Xassan Shiikh Maxamuud Iyo Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Famraajo ay diideen in si buuxda loo aqoonsado ayagoo aan xitaa wax awood ah u lahayn inay soo booqdaan Dowlad Gobaleedka Somaliland iyo meelaha ay ka taliso!

Muqdisho Oktoobar 04, 2017 Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Maanta oo Arbaco ah la filayaa inuu u Safro Magaalada Khartoum ee Caasimadda Suudaan.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu Casuumaad Rasmi ah ka helay Madaxweynaha Suudaan Gen Cumar Xasan Al-Bashiir.

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya waxaa la sheegay in ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf garaad Cumar iyo Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cabdi-dhuux Yuusuf Xasan iyo Xubno kale.

Maalmo ka hor ayaa Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu Safar ku tagay Boqortooyada Sacuudiga,waxaana Safarkaas uu ahaa kii Saddexaad ee Sacuudiga uu ku tago tan iyo Markii Madaxweynaha Soomaaliya loo doortay.

Dowlad Gobaleedka Galmudug Oktoobar 04, 2017 Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle oo ay maanta Maxkamada sare ee Galmudug ku dhawaaqday in xilka qaadista ay ku sameeyeen qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ay sharci tahay ayaa sheegay in Galmudug aysan laheyn wax Maxkamad Sare ah islamarkaana qoraalka ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Maxkamada uu yahay mid aan waxba ka jirin.

Sidoo kale Xaaf ayaa sheegay in Galmudug aysan waligeed yeelan Maxkamad, qoraalka Maxkamadana uu yahay mid aan wax ka soo qaad laheyn.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee maamulka Galmudug Yaxye Sheekh Cali oo maanta magaalada Cadaado kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay go’aankii 26-kii September xildhibaanada Galmudug ay xilka uga qaadeen Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) in uu yahay mid sharci ah.

Sidoo kale guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Galmudug ayaa sheegay in ay sharci tahay go’aankii xildhibaanada Galmudug 30-kii September ay xilkii uga qaadeen Madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir.

Balse mid ka mid ah garsoorayaashii magacyadooda uu ku saxiixnaa qoraalka ka soo baxay Maxkamada Sare ee Galmudug ayaa beeniyay inuu ka qeybgalay kulankii laga soo saaray go’aanka Maxkamada Sare.

Hase yeeshee, 27-kii September ee sanadkan ayuu Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle amar ku bixiyay in dib loo howlgeliyo Maxkamadda sare ee maamulkaas.

Waxaana uu intaa ku daray in sababaha dib loogu howlgalinayo Maxkamada sare ay tahay inay gudato waajibaadkeeda dastuuriga ah.

Canada Oktoobar 04, 2017 Abdulahi Hassan Sharif oo 30-jir ah ayaa shalay la soo taagay Maxkamad ku taalla magaalladda Edmonton ee Gobalka Albert ee dalkaasi, isagoo lagu soo oogay 11-Kiis oo ay ku jiraan inuu tooreey ku dhaawacay Sarkaal Bolis iyo inuu dhowr qof jiirsiiyey gaarigiisa habeenkii Sabtida ee la soo dhaafay.

Eedeysanaha ayaa la keenay Maxkamadda isagoo watay Dharka Maxaabiista ee midabka Jaallaha leh, iyadoo uu Nin Somali turjumaan ka ahaa qaadista Dacwadaasi.

Madasha Maxkamadda waxaa joogay qaar ka mid ah Jaalliyadda Soomaalida ku nool Edmonton, kuwaasi oo horey u cambaareeyey Weerarkaasi.

Hoggaamiyaha Jaalliyadda oo lagu magacaabo Maxamed Akord oo aan la hadlin Eedeysanaha ayaa sheegay inuu Mujtamaca Soomaalida ka maqlay inuu Eedeysanaha ka soo jeeda Beelaha laga tirade badan ee Somalia, waa sida uu hadalka u yiri.

Qareenka Eedeysanaha oo lagu magacaabo Jaadi Mustarax ayaa sheegay in Ogeysiis Kooban loogu sheegay inuu dhinaca Sharciga ka taageero Eedeysanaha, wuxuuna xusayin loo baahan yahay in la helo Qareen kale si ay Dacwadda u sii socoto.

Dhinaca kale, Xeer-beegtida Maxkamadda Edmonton ayaa amartay in Eedeysanaha Abdullahi Hassan Shariif lagu sii hayo Xabsiga, iyadoo Dacwadiisa dib loo dhegeysan doono bisha November 14-da ee sannadkan.

Boosaaso Oktoobar 04, 2017 Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa fiidnimadii xalay waxay toogsho ku dileen hal qof oo shacab ah, waxaa kaloo weerarkaas ku dhaawacmay Taliye ku xigeenka Saldhiga Baalade ee magaalada Boosaaso Laba-xidigle Cabdiraxmaan Barre Saalax iyo nin shacab ah.

Weerarkan ayaa wuxuu ka dhacay goob lagu shaaheeyo oo ku taalla isgoyska Afar irdood ee magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Maamulka Puntland ayaan weli wax war ah ka soo saarin dhacdadaan xalay ka dhacday Magaaladda Boosaaso ee Gobolka Bari.

Dhanka kale Kooxda Daacish ayaa sheegtay in ay weerarkaas iyagu gesteen,islamarkaana ay sii kordhin doonaan weerarada noocaan oo kala ah.

Goobjoogayaal ay sheegay in ay baxsadeen nimankii weerarka geystay.

Dhanka kale Taliye ku xigeenka iyo ninka shacabka ah ayaa dhaawacooda waxaa lagu dabiibayaaisbitaalka magaalada Boosaaso.

Boosaaso Oktoobar 04, 2017 Waxaa faah faahino dheeraad ah laga helayaa Koox bastoolado ku hubeysneyd oo fiidnimadii xalay toogasho ka geysatay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Weerarkan oo si gaar ah uga dhacay goob lagu shaaheeyo oo ku taalla isgoyska Afar irdood ee magaalada ayaa waxaa ku geeryooday qof shacab ah, waxaa kaloo weerarkaas ku dhaawacmay Taliye ku xigeenka Saldhiga Baalade ee magaalada Boosaaso Laba-xidigle C/raxmaan Barre Saalax iyo nin shacab ah.

Taliye ku xigeenka iyo ninka shacabka ah ayaa dhaawacooda durbadiiba weerarka kadib waxaa loo qaaday mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla magaalada Boosaaso, si halkaasi loogu dabiibo dhaawacooda.

Dableydii weerarka geysatay ayaa goobta ka baxsaday, kahor inta aysan halkaasi soo gaarin Ciidamo hubeysan oo wata Gaadiidka Dagaalka, kana tirsan Booliska Puntland.

Weerarka kadib ururka Daacish war ay soo saareen waxa ay ku sheegteen masuuliyadda weerarkan, waxayna sheegeen weerarkan in ay fuliyeen xoogag iyaga ka tirsan.

Saraakiisha Ciidamada Maamulka Puntland ayaan weli wax war ah ka soo saarin dhacdadan, balse weli waxaa socda howlgalada Ciidamada ay ku raadinayaan dableydii weerarka geysatay.

Dowlad Gobaleedka Puntland Oktoobar 04, 2017 Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha  Puntland  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Xeer  Lr-105, soona baxday Shalay oo taariikhdu aheyd 03 October  2017 ayaa lagu magacaabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Dawladdaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga iyo  agaasimaha Shaqada, Shaqaalaha ee Wasaarada Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo shaqada

Wareegtadan ayaa Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxaa loo magacaabay  Maxamed Cali Nuur “Jubba”, halka Agaasimihii hore ee Wasaaradda Cabdicasiis Nuur Cilmi loo magacaabay agaasimaha wasaaradda dhalinyarada, shaqada, Shaqaalaha iyo Sportiga ee Puntland

Kismaayo Oktoobar 04, 2017 Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonan karo waxaa dib u dhacay shirkii maanta oo arbaco ah ay ku balansanaayeen Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadda kaasi oo ka dhici lahaa Magaaladda Kismayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka jubba-land.

Shirka ayaa dib loo dhigay ilaa maalinta Axadda ah Todobaadka dambe si Madaxda ka qeyb galaysa ay halkaas u gaaraan.

“ayada oo maalinta barri ah Madaxweynaha Hirshabelle mudane Waare iyo Madaxweynaha koonfur Galbeed mudane Shariif Xasan lasugayey inay kasoo degaan kismaayo , ayaa waxaa khadka telefoonka kuwada hadlay Madaxda Dowlad goboleedyada iskuna afgartey in muddo 3 maalmood ah dib loo dhigo shirka si xal looga gaaro xaaladda maamulka Galmudug ee sii murgaysa”, ayaa lagu yiri war kasoo baxay Madaxtooyadda Jubba-land ee Kismaayo.

Magaaladda Kismaayo ayaa waxaa gaaray wafdi ka socda maamul Hir-shabeelle si ay kaga qeyb galayaan shirkaas.

Dhanka kale waxaa shirkaan qaadacay Maamulka Puntland oo sheegay in uu yahay shir aan Maslaxad ugu jirin Umadda Soomaliyeed, islamarkaana wixii qalad ah ee jira loo baahan yahay in ay saxdo Dowladda Soomaliya.

Shirkaan oo bishaan Gudaheeda ka dhacaya magaaladda Kismaayo ayaa walaaca ugu badan waxaa qaba Dowladda federaalka Soomaliya, waxayna culees ku saaraysaa Guddoonka Aqalka sare in aysan ka qeyb gelin shirka Magaaladda Kismaayo.

Ujeedada shirkan ayaa lagu sheegay inuu yahay mid looga tashanayo, xalna loogu raadinayo khilaafkii ka dhashay go’aanadii iska horyimid ee Dowlad Goboleedyada qaar iyo Dowlada Federaalka ah ee la xiriiray Khilaafka wadamada khaliijka.

Kaatalooniya Spain Oktoobar 04, 2017 Madaxweyne Cales Puigdemont Madaxweynaha dowlad goboleedka, Carles Puigemont, ayaa u sheegay BBC in gobolkiisa uu iclaamin doono maalma gudahood inuu ka madaxbanaan yahay Spain.

Madaxweyne Cales Puigdemont, waxa uu uga digay dowladda Spain inay sameyneyso qaladkeedii ugu dambeeyay haddi ay soo faragaliso ayna la wareegto Catalonia.

Hoggaamiyaha Catalonia oo bixiney wareysigiisii ugu horreeyay tan iyo markii ay qabsoontay aftidii lagu murmay maalintii Axada, ayaa sidoo kale waxa uu ku dhalleeceeyay Midowga Yurub inay ku guuldareysteen cambaareynta rabshadaha baahsan ee ay booliisku Spain geysteen, markii ay u dhaqaaqeen inay carqaladeeyaan codbixintii socotay.

Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Oktoobar 04, 2017 Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Booliska gaarka ah ee mamulka Koonfur Galbeed ee ku sugan degaanka Goof-gaduud Buuray ee gobolka Baay ayaa waxa ay howlgallo qorsheysan ku qaadeen tuulooyin badan oo hoostaga degaankaasi.

Tuulooyinka howlgalka lagu qaaday ayaa waxaa ku sugnaa Dagaalyahano ka tirsan ururka Al-shabaab, balse Ciidamada inta aysan halkaasi gaarin Shabaab ayaa isaga baxay Tuulooyinkaasi, sida uu Risaala u sheegay Siidow Cali Guddoomiyaha degaanka Goof-gaduud Buuray.

Wuxuu sheegay Guddoomiyaha Tuulooyinka ay ka baxeen Shabaab in hada ay si buuxda gacanta ugu hayaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Booliska gaarka ah ee mamulka Koonfur Galbeed.

Siidow Cali Guddoomiyaha degaanka Goof-gaduud Buuray ayaa sidoo kale sheegay in ay sii wadayaan Howlgallada ka dhanka ah ururka Al-shabaab, si looga saaro Tuulooyinka kale.

Dowlad Gobaleedka Galmudug Oktoobar 04, 2017 Kadib markii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee maamulka Galmudug uu shalay ku dhawaaqay in Maxkamaddu ay ansixisay dhammaanba xil ka qaadistii Madaxweynaha Galmudug, Ku xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa soo baxayay warar arrintaasi ku saabsan oo is khilaafsan.

Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Sare iyo xubno kale oo ka tirsan Garsoorka ayaa beeniyay go’aanka Guddoomiyaha, kadib hadal ay siiyeen warbaahinta.

C/qaadir Maxamuud Cilmi Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Sare ayaa sheegay go’aankii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Yaxye uu baal maray nidaamka garsoorka, islamarkaana uusan qeyb ka aheyn warka ka soo baxay.

Wuxuu sheegay C/qaadir Maxamuud in Yaxye uu mar hore ka tagay Maxkamadda, go’aanka ka soo baxayna uu yahay mid ku kooban, oo aan Maxkamadda ka soo bixin.

Go’aamada is diidan ee ka soo kala baxaya xubno ka tirsan Maxkamadda Sare ee maamulka Galmudug ayaa sii hurinaya khilaafka siyaasadeed ee maamulka Galmudug.

“Halkan waxaan ka cadeynayaa Guddoomiyaha warkaas laga sheegayo inaan waxba ka ogeyn, sal iyo raadna uusan laheyn, been abuurna yahay, aanan is arak, xilka Guddoomiyaha horey ayuu uga tagay Yaxye.” Ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Sare

Las Vegas Oktoobar 04, 2017 Booliiska Las Vegas ayaa macluumaad buuxa ka bixiyay heerka uu gaarsiisanaa qorshahihii Stephen Paddock markii uu weerarka toogashada ah uu geysanyay habeenkii Axadii.

Joseph Lombardo oo ka mid ah mas’uuliyiinta Las Vegas ayaa u sheegay BBC in Mr Paddock uu dhawr kaamiro dhigay qolkii uu ka deganaaa hotelkii uu ka geystay weerarka ay ku dhinteen 59 qof.

Waxa uu sheegay sarkaalkan Joseph Lombardo inuu ku dhawaad 50 qori uga tagay qolkiisa, ka hor inta uusan si ula kac ah isu dilin.

Balse booliiska ayaa sheegay inaysan jirin calaamad muujineysa sababta uu weerarkan xasuuqa ah u geystay.

Booliisku waxaa ay ogaadeen in Mr Paddock uusan xiriir la lahayn wax urur argagixo ah oo dibedda ama gudaha Maraykanaka ka dhisan.

Madaxweyne Trump ayaa ku tilmaamay ninkan toogashada geystay inuu ahaa qof shaqisiyan u xanuunsan.

https://www.youtube.com/watch?v=5qgBzFcCeSo

WARARKA MAANTA Oktoobar 03, 2017 Sir Culus

Su’aallaha Maanta: Maxuu Madaxweynaha Puntland Mudane Dr. Cabdiweli Cali Gaas u gaday dekkadda Boossaaso oo ay ku nool yihiin Shacabka Puntland taasoo xitaa uu rabo inuu burburiyo dhul badan si ay Shirkadda Imaaraadka ay u xayirto shaqada iyo ganacsiga dekkadda Boosaaso sida ay u xayirtay dekkadda Berbera ee Dowlad Somaliland? Shacabka Puntland oo hadda ogaaday runta iyo sida ay rabto Shirkadda si xeelladaysan kula wareegaysa Dekkadda Boosaaso si ay u xirto marka horumarkii ma waxuu noqday in Shacabka Puntland la sii lugooyo ayadoo horayba shacabka Puntland ay ka cabbanayeen argagixisadda Al-Shabaab, Daacis iyo siyaasiyiin raba inay si toos ah iyo si dadban u cunna-qabateeyaan.

Muqdisho Oktoobar 03, 2017 Magaalada Muqdisho caasimada Soomaaliya waxaa ka dhacay kulan Balaadhan oo ay Isku Arkeen Qaar kamid ah Ganacsatada reer khaatumo Xildhibaanada dawlada Somalia. Ujeedka kulankan ayaa ahaa Sagootin Loo samaynaayay Ku Dhawaad sodon ardey oo Ka soo jeeda Khaatumo Dhameeyay waxbarashada Heerka Koobaad ee jaamacada.

Muqdisho Oktoobar 03, 2017 Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ka gudbaan qabiil qabiil si loo garo midnimo.

Waxa uu sheegay in hadda Soomaali-land ay sheeganayaan in ay yihiin kuwa ka go’ay Soomaliya inteeda kale balse taasi aysan macquul aheyn.

“Anigu Soomaliya hadeynu nahay mushkiladeena waxay tahay Qabiil, waxaan doonaynaa in aan qabiil ku dhisno dalkeena, taasi ma soconayso”, ayuu yiri Cabdi Xaashi Cabdillaahi

Sidoo kale dadka u nool Magaalada Muqdisho ee ka soo jeeda deegaanada Maamulka Soomaaliland ayuu ugu baaqay in ay kala Shaqeeyaan Midnimada Soomaaliya, isla markaana sidoo kale dowladda looga baahan yahay in ay ku tageerta.

Masuuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowr mar waxa ay ku celceliyen in Soomaaliland ay ka mid tahay dalka Soomaaliya iyada oo sidoo kale dhowr mar ay fashilmeen wadahadalo dhexmaray Msuuliyiin ka tirsan dowladda iyo Maamulka Soomaaliland oo ka dhacay dalka Turky-ga.

Baydhabo Oktoobar 03, 2017 Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur, Afhayeenkii hore ee Al shabaab, oo isku soo dhiibay dowladda bishii August, ayaa qorsheynaya inuu kusoo biiro Saaxadda Siyaasadda dalka.

Ilo-wareedyo ku dhaw Mukhtar Roobow, ayaa u sheegay Warsidahan in Abu Mansur uu ku jiro damac Siyaasadeed, isagoo doonaya inuu noqdo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Qaar ka tirsan tageerayashiisa reer Koonfur Galbeed, ayaa u arka in Roobow xal ka keeni karo dagaalka Al shabaab, iyo dhibaatooyinka kale ee ka taagan deegaanada maamulkaasi, oo intooda badan ku jira go’doomin.

Roobow oo ku sugan Muqdisho, ayaa wadahadallo la leh Madaxda dowladda Federaalka iyo qaar katirsan Diblimaasiyiinta Beesha caalamka, isagoo kala hadlaya halka uu sal dhigan doono iyo masiirkiisa.

Mukhtaar Roobow ayaa wararku sheegayaan in markii hore wadamada beesha caalamka gaar ahaan dowlada Mareykanka ka codsadey in loo hubooye Jabhad uu kula diriro ururka Al Shabaab.

Warar Warsidahan ka heley Ilo ku dhow Roobow ayaa sheegaya in codsiga Jabhad sameynta ay diideen dowladaha Beesha caalamka, iyagoo u sheegey in Somaaliya waqtigaan uu yahay Federaal ka kooban maamulo sidaa darteed ay u furan tahay inuu qayb ka noqdo Siyaasada gobolka.

Lama oga Mowqifka dowlada Federaalka Somaaliya, ee ku aadan rabitaanka Mukhtaar Roobow, balse warar ayaa sheegaya inuu balanqaad ka haysto Saraakiil ka tirsan Xafiisyada sare ee dowlada Dhexe.

Balanqaadyada loo sameeyay Roobow ayaan wali la ogeyn, laakiin waxay u badan tahay sida aan wararka ku helayno inuu qabto xil sare, oo loo badinayo inuu yahay Madaxtinimada Koonfur Galbeed.

Dhanka kale, Warar ayaa sheegaya in Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Shariif Xasan uu horey warqad ugu qoray Saafaradaha Beesha Caalamka, taasi oo kaga codsaday in Roobow loo raadiyo magangelyo dibadda ah.

Shariif Xasan, ayaa aad uga walaacsan damaca Siyasadeed ee soo galay Roobow, xilli ay jiraan Mooshino isaga ka dhan ah, kuwasoo ay wadaan qaar ka tirsan xildhibaanada Barlamanka Koonfur Galbeed.

Muqdisho, 03 October 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Boqortooyada Sucuudiga uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee dib u dhiska dalka, gaar ahaan deeqda 50ka Milyan ee dollar oo ay soo gaarsiisay Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa yiri “Waxaan si kal iyo laab ah uga mahadcelineynaa Boqortooyada Sacuudiga oo waqtigan baahida loo qabo noogu deeqday 50 milyan oo dollar si loogu adeego shacabka Soomaaliyeed, taasoo muujineysa sida dalka aan wallaalaha nahay ee boqortooyada Sacuudiga ay u daneynayso ka qeybqaadashada dib u dhiska dalkeena.”

Booqashadii Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu dhowaan ku tagey boqortooyada Sacuudiga ayaa aheyd mid lagu sii xoojinayey xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay sida ay dawladda Federaalka uga go’antahay in deeqdaas loogu isticmaalo kordhinta adeega shacabka Soomaaliyeed. deeqdaan 50ka milyan ah ayaa lagu shubayaa Khasnada Dawladda ay ku leedahay Bankiga Dhexe, waxaana loo isticmaali doonaa si ku dhisan daahfurnaan iyo isla xisaabtan. Dowladda Federaalku waxay la wadaagi doontaa warbixin hufan oo la xariirta qaabka kharashka loo bixiyey.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in deeqdan ay xukuuumadda ka saacidi doonto sii joogteynta bixiinta mushaaraadka ciidanka, raashinkooda iyo mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa hadalkiisa ku soo gabogabeeyey “Xiriirka walaaltinimo ee qotoda dheer ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga waa mid taariikh fog leh, kaalmadaan waqtigan loogu baahi badan-yahay waa mid ka tarjumeysa sida Boqortooyada Sacuudiga ay uga go’antahay garab-istaaga dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Waxayna sahleysaa in Dawladda Soomaaliya sii labo jibaarto soo celinta amniga iyo nabadeynta dalka.

DHAMAAD

Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska

Muqdisho Oktoobar 03, 2017 Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi balaaran uu hogaaminayo ayaa maanta ku wajahan Magaalada Khartoum ee Caasimadda Suudaan.

Saraakiil ka tirsan Xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Xaqiijiyay Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Farmaajo uu Maanta ku aadayo Wadanka Suudaan, Kadib Casuumaad rasmi ah uu ka helay Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Socdaalkiisa waxaa ku wehlin doona Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cabdi-dhuux Yuusuf iyo Xubno kale.

Canada Oktoobar 03, 2017 Booliiska dalka Canada ayaa sheegay inay eedo dhinaca argagixisada ah kusoo oogi doonaan  C/llaahi Xasan Shariif oo  ah nin Soomaali ah oo waddankaasi qaxooti ku ahaa, kaasoo baabuur jiirsiiyey dhowr qof oo uu ku jiro sarkaal booliis ah.

Dowladda Canada waxa ay sheegtay in ninkaan loo xirey weeraradii ka dhacay magaalada Edmonton, ee gobolka Alberta, halkaasi oo shan qof lagu dhaawacay, waana 30 sano jir lagu magacaabo C/llaahi Xasan Shariif.

Kooxda Daacish ayaa sheegay inuu ka tirsan Soomaaliga  weerarka ka geystay magaalada Edmonton, ee gobolka Alberta, dalka Canada

Muqdisho Oktoobar 03, 2017 Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka hadlay khilaafaadka siyaasadeed ee xilligan dalka jira oo marba marka ka dambeysa kor u sii kacaya.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha in Siyaasiyiinta Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa Xasilooni Siyaasadeed iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu xusay in Beesha Caalamka iyo dowladdaha kale ee taageera Soomaaliya aysan muhiim ahayn in ay dhex dhexaadiyaan dadka Soomaaliyeed khilaafkoodana ay xaliyaan.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Maamul goboleedyada looga baahan yahay in ay wada shaqeyn dhab ah la yeeshaan dowladda dhexe si guul looga gaaro Siyaasadda Soomaaliya.

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sheegay in dhammaan dadka Soomaaliyeed iyo Siyaasiyiinta laga doonayo in meel ay ugu soo wada jeestaan sidii loo qancin lahaa Madaxda iyo Shacabka Soomaaliland.

“Midnimadu waa muhiim, qof walba oo Soomaaliyeed waa inuu u taagnaadaa midnimada, marka aan isku duubannahay cidna nama soo dhexgeli karto, maamul goboleedyada waxaa looga baahan yahay in ay wada shaqeyn dhab ah la yeeshaan dowladda dhexe.” Ayuu yiri Farmaajo.

WFP Oktoobar 03, 2017 Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan barnaamijka cuntada ee WFP ayaa sheegtay in 30% ay dhimeyso deeqda ay siin jirtay 400,000 oo qaxooti ah kuwaa oo ku nool xirooyinka barakayaasha ah ee dalkaasi Kenya.

Xirooyinka Dhadaab Iyo Kakuma ayaa hoy u ah qaxooti kayimid dalalka soomaaliya iyo koofurta Sudan kuwaa oo ka soo baxsaday dagaalo wadankooda kajira iyo xaalado abaaro ah oo dalalkan saameyn xoogan ku yeeshay.

Barnamijka cuntada qaramada midoobay ee WFP ayaa sheegay in loo baahan yahay lacag dhan 28.5 million oo dollar si lixda bil ee soo socota wax loogu qabto qaxooti ka badan 420,000 oo ku nool xirooyinka barakacayaasha.

WFP ayaa ugu deeqday sanadkaan qaxootiga Kenya lacago kaash ah iyo cunooyin kuwaa oo ah deeqo ka yimid dalalka Canada, China, mareykanka iyo dalal kale oo dhaca qaarada Yurub.

Boosaaso Oktoobar 03, 2017 Shacabka kala duwan ee ku nool deegaanada maamul goboleedka Puntland ayaa siyaabo kala duwan wxa ay uga hadleen wareejintii dekadda Magaalada boosaso lagu wareejiyay Shirkada DBWorld ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta.

Qaar ka mid ah Shacabkaas ayaa waxa ay sheegeen in arrintaan ay tahay talaabo horay loo qaaday balse ay wanaagsan tahay in wadatashiyo lagala sameeyo Shacabka Puntland si ay horumarkooda iyaga uga tashadaan.

Dhanka kale Shacabka qar ayaa iyana aamninsan in tani ay dhibaato ku tahay Puntland islamarkana Go’aanka lagu wareejiyay Dekadda Boosaaso uu ahaa mid an lagala tashan.

Hadalada ugu badan Shacabka ayaa ahaa in muhiim ay tahay in horumarka lga sameynayo deegaanka Puntland wadatashi lagala sameeyo.

Itoobiya Oktoobar 03, 2017 Dowladda Ethiopia ayaa la sheegay inay bilowgii Toddobaadkan xabsiga ka sii daayeen Suxufiyiintaasi oo in ka badan 10-sanno ku jiray Xabsiga, iyadoo aan wax dacwad toos ah lagu soo oogin.

Labada Saxafi oo lagu kala magacaabo Tesfaldet Kidane iyo Salih Gama,ayaa ka mid ah Weriyayaasha Idaacadda iyo Telefishinak Dowladda Eritrea, kuwaasi oo sannadkii 2006-dii lagu qabtay xuduudka Somalia la wadaagto Kenya.

Qaar ka mid ah Qoyska Sawir-qaade Tesfaldet Kidane oo la hadlay Idaacadda VOA, Qeybta la hadasha Afrika, waxay xaqiijiyeen  in la sii daayey, isla markaana uu ka soo tegay Ethiopia, Si kastaba ha ahaatee, Dowladaha Ethiopia iyo Eritrea si rasmi ah ugama hadlin sii-daynta Labadaasi Saxafi.

Muqdisho Oktoobar 03, 2015 Daawo wiilka Farmaajo oo khamri ka dherjiyay gabadh uu dhalay Taliye Bashiir Goobe oo la yiraa Sahra ? Cuqubadii qalbidhagax durba waa taas ilmahii derbi jiif ka dhigtay,wax ka weyna waa la sugayaa laakiin kuwa ubadkooda dayacay ayaan dal iney inoo dhisaan ka sugeeynaa.
Wiilka waxaa la yiraa Abdullahi Mohamed Abdullahi Farmaajo, Gabadhana Sahra Bashiir Goobe, waxeey labaduba joogaan Nairobi.
Video-gaan muuqaalka ayaa laga duubay wiilka oo qamri iska cabaa iyo gabadha oo wixii la siiyay ka tan badiyey kadibna aan hadli karin oo madaxa hoos u ridee daqiiqad walba.

https://www.youtube.com/watch?v=2qmsGIAu_F0

Muqdisho, 02 Oktoobar, 2017 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga isgaarsiinta dalka.

Bandhigga Saxiixa Sharcigan ayaa lagu qabtay xarunta madaxtooyada, waxaana kasoo qayb galay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka Cabdi-Weli Ibraahim Sheekh Muudeey, Raiisul wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Mahadi Maxamuud Guuleed, wasiirro ka tirsan Golaha Xukuumadda, xildhibaanno, aqoonyahanno iyo khubaro horay uga soo shaqaysay diyaarinta sharcigan.

Wasiirka Wasaaradda Boostada Isgaarsiinta iyo Tiknaloojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Cashuur Xasan ayaa sheegay in sharcigaan uu yahay sharcigii ugu wakhti dheeraa dhanka ansixinta maadaama laga soo shaqaynaayey tan iyo sanadkii 2005tii taas oo muujinaysa ahmiyadda uu u leeyahay dalka.

Madaxeynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku ammaanay Laamihii kala duwanaa ee dowladda ee kasoo shaqeeyey sharcigan, waxa uuna Madaxweynuhu xusay in natiijada wanaagsan ee ka dhalatay dadaalkaas ay qeexayso wada shaqeynta wanaagsan ee ka dhaxaysa hayadaha dowlada.

“waa xaqiiq in ay caqabado badan jiraan,waana garoowsannahy in dhibaatooyinka dalkeenna aan lagu xallin karin hal habeen, balse cid walba waa u muuqataa in dalku uu horay u socdaa” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Sharciga Isgaarsiinta dalka ayaa ku dhaqan galay saxiixa Madaxweynaha maadama ay horay usoo meel mariyeen Golaha Xukumadda iyo Labada Gole ee Baarlamaanka.

WARARKA MAANTA 29ka Sebteembar 2017 Sir Culus oo Deg Deg Ah

Su’aalaha Maanta: Maxuu Agaasimaha Madaxtooyadda Mr. Fahad Yasiin Iyo Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre u rabaan inay burbiyaan Dowlad Gobaleedka Galmudug oo ay si xeeladaysan xilka uga qaadeen Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle “Xaaf”? Sida la ogyahay Agaasimaha Madaxtooyadda Mr. Fahad Yasiin rabaa inuu burburiyo Dowladda Galmudug, Dowladda Khaatumo Iyo Dowlad Konfur Galbeed si uu u sii wato hawlaha musuqmaasuqa baahsan ee uu dadka iyo dalka ku hayo tan iyo waaggii la doortay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud oo uu lacagtiisa ka soo qaaday dalkaas Carabta ah ee ay haatan isku dhagan yihiin dalalka Sacuudiga Iyo Imaaraadka. Haddana lacagtii uu mar labaad ka soo qaaday waddankaas ayuu Madaxweyne ku noqday Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo aan waxba ka fahansanayn khiyaanooyinka iyo qaska siyaasaddeed ee uu wado Agaasimaha Madaxtooyadda Mr. Fahad Yasiin marka aniga waxaa laga yaabaa in la iga qaado agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta marka waxaa shacabka Dowlad Gobaleedka Galmudug u sheegayaa inuu Wasiirka Warfaafinta, Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre iyo Agaasimaha Madaxtooyadda Mr. Fahad Yasiin ay wataan qorshi ay rabaan waddanka inay ku xukummaan oo kaligood-talis ka wada noqdaan halka uu Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo u sixran yahay nimankaas. Illaahay Soomaaliya badbaadi!

Muqdisho 29ka Sebteembar 2017 Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Caetano Madeira ayaa marka hore wuxuu cambaareeyay weerarkii qaraxa gaari loo adeegsaday ee shalay gelinkii dambe ka dhacay Barxadda Bacadlaha Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir.

Francisco ayaa Al-shabaab ku eedeeyay weerarkan, wuxuuna tilmaamay gaari ay ku soo rareen maadooyinka qarxa in ay la beegsadeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan, kuwaasi oo uu sheegay in ay ku howlanaayeen nolosha maalinlaha ah.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska dhibbanayaasha weerarkan aan macquulka ahayn, Waa nasiib darro in Al-Shabaab ay sii wadaan in ay dilaan oo ay lumiyaan dadka ay sheeganayaan inay difaacayaan.” Ayuu yiri Ambassador Madeira.

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ku ammaanay shaqada weyn ee ay u hayaan ummadda Soomaaliyeed, isaga oo sidoo kale balan qaaday inay sii laba jibaarayaan taageerada AMISOM ee Dowladda Federaalka oo Dagaal kula jirta Al-shabaab.

Qaraxan oo ay ku dhinteen 7 qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 6 kale ayaa waxa uu ku soo beegmaya, xilli Arbacadii Isgoyska Via Roma ee Degmada Xamar Weyne lagu dilay laba qof, oo midi ay ahayd Xoghayihii Guud ee Ururka Haweenka Qaranka, Canab C/laahi Xaashi iyo wiil ay dhashay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka, Batuula Axmed Gaballe, oo lagu magacaabi jiray Axmed Jaamac Xersi.

Muqdisho 29ka Sebteembar 2017 Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa amar ku bixiyay in dib loo howlgeliyo Maxkamadda sare ee maamulkaasi, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta (Masagawaa).

Xaaf ayaa ujeedka hada loo howlgelinayo Maxkamadda ku sheegay in ay tahay si ay u gudato waajibkeeda Dastuuriga, oo aanay cidna uga heybeysan shaqooyinka horyaalla, xaaladaha lagu jirana aanay indhaha ka laaban.

Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa Maxkamadda Sare ugu baaqay in ay u howlgasho sida ugu dhaqsiyaha badan.

“Madaxweynuhu wuxuu amar ku bixiyay oo uu tilmaamay in ay howlgasho Maxkamadda sare ee Galmudug, si ay u gudato waajibkeeda Dastuuriga ah.” Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta (Masagawaa) oo warbaahinta la hadlay.

Hadalka ka soo baxay Madaxweyne (Xaaf) ayaa wuxuu ku soo aadayaa xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda maamulka Galmudug, kaasi oo ilaa hada aanan loo helin nabadeyn sax ah.

Muqdisho 29ka Sebteembar 2017 Wefdigan uu hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka  Xoogga Dalka Turkiga Hulusi Akar ayaa gor dhow ka soo degay Garoonka Diyaaradah Aadan Cadde ee magaalaad Muqdisho halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Taliyaah Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Janaraal Maxamed Axmed Jimcaale Geedi iyo saraakiil iyo mas’uuliyiin kale oo uu ka mid yahay Danjiraha Turkiga Ambassador Olgan Baker ayaa ku so dhaweeyey Garoonka aadan Cadde halkaasi oo kulamo uu kula leeyahay Mas’uuliyiin iyo Saraakiil.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa siweyn loo adkeyeye iyadoo ciidamada Amniga ay siweyn u sugayaan nabadgeliayada.

Socdaalkan ayaa horudhac u ah wefdi Ballaaran oo ka socoda Dalka Turkiga kaasi oo ka qeybgalidoona munaasabadda xarigga loooga jarayo xarun Ciidan oo Turkiga ka hirgeliyayay magaalada Muqdisho,taasi oo loogu talagalay in lagu tababaro ciidanka

Muqdisho 29ka Sebteembar 2017 Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Cabdiweli Cali Gaas ayaa owladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyey in aynan dhex-dhexaad ka aheyn Xiisada ka taagan Magaalada Cadaado.

Waxa uu sheegey in ay iska cadahay in Dowladda dhexe ay wado dadaallo ay ku dooneyso duminta Maamulka Galmudug waa sida uu sheegey Madaxweyne Gaas.

Waxa uu sheegey in maamul Gobaladeedyada ay ku saxanyihiin tilaabada ay qaadeyn ee ku aadan khilaafka wadamada khaliijka isagoo sheegeyn in Qatar aynan soomaaliya ay u qabatay oo muuqda aysan jirin halka sida uu sheegey sacuudiga iyo Imaaraadka wax qabadkooda uu muuqdo isagoo tusaalo ahaan usoo qaatey Degmada Boosaaso ay dhiseyso Shirkad laga leeyahay Imaaradaka Carabta waloow la isku qilaafsanyahay sharciyada ay shirkadaasi kula wareegtay Dekadaasi.

Maamulka Galmudug 29ka Sebteembar 2017 Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale (Cabdi Qaybdiid) oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, kana mid ahaa Xildhibaanadii Cadaado u tagtey qaboojinta xiisadda siyaasadeed ee Galmudug ka taagan, ayaa faah faahiyay wixii ay Cadaado kala kulmeen.

Waxa uu sheegay in Arbacadii ay hal meel isugu keenayn Madaxweynaha Galmudug iyo Gudoomiye Ku xigeenka 1-aad Baarlamaanka Galmudug oo isu dhinac ah iyo Madaxweyne Ku xigeenka, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Gudoomiye Ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka oo dhinaca kala ahaa, ayna ku guuleysteen inay wada heshiisiiyan, sidoo kalena ay u sameeyen khariirad ay ku wada shaqayn karaan, si khilaaf dambe oo dhexdooda ah aanu u imaan.

Wixii lagu heshiiyay si loo dhaqangeliyo, ayuu sheegay inay diidmo kala kulmeen Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey), oo soo istaagay inuu yahay Madaxweynaha Galmudug.

Xildhibaan Cabdi Qaybdiid, ayaa tilmaamay in uu jiro nin kale oo gadaal ka taagan Madaxweyne Ku xigeenka, kaas oo xusul duub ugu jira inuu noqdo Madaxweynaha Galmudug.

Kenya 29ka Sebteembar 2017 Hogaamiyaha Isbaheysiga Mucaaradka ah ee dalka Kenya Mr. Raila Odinga ayaa ka soo horjeestay talaabada ay Baarlamaanka dalka Kenya ee Xisbiga Jubule raacsan wax uga badalayaan Hanaanka loo qabanayo Doorashada.

Mr. Raila oo shir saxafadeed ku qabtay xarunta Okoa Kenya ee magaalada Nairobi oo Mucaaradka looga arrimiyo ayaa ku tilmaamay Madaxweyne Uhuru iyo Ku xigeenkiisa William Ruto in Kenya ay dib ugu celiyaan Hanaanka kali talidninada ah, balse ay ka dhiidhin doonan iyaga oo kaashanaya shacabka dalka Kenya.

Dhanka kale waxaa uu balan qaaday in Banaanbaxyo nabadeed oo Guud ahaan dalka Kenya ay ka dhigi doonan Todobaadka soo aadan.

Ugu dambeyn waxaa fashil ku dhamaaday wadahal Saddex geesood ahaa oo dhaxmari lahaa Xisbiga haya talada dalka ee loo yaqaan Jubule isbaheysiga Mucaaradka ah ee NASA iyo Guddiga Doorashada iyo Xuduudaha dalka ee IEBC kadib markii Xubnaha Baarlamaanka ee Dowladda ay wax ka badalka Hanaanka Doorashada qaabka loo qabanayo meel mariyeen.

Maamulka Galmudug 29ka Sebteembar 2017 Xaaladda Magaalada Cadaado Ee Xarunta KMG Galmudug oo Maalmahaan marti galisay Khilaaf Siyaasadeed oo u dhexeeya Hay’adaha Dowliga ah ee Maamulka Galmudug ayaa Saakay Degen,waxaana Magaalada lagu arkayaa Ciidamo aad u badan iyo Maleeshiyaad aan Cidna ka amar qaadan oo Hub ku dhex wata Magaalada.

Odayaasha Dhaqanka Magaalada Cadaado iyo Ururada Bulshada ayaa ku baaqay in Xasilooni la muujiyo islamarkaana laga dheeraado wax walba oo Dagaal horseedi kara.

Magaalada Cadaado waxaa ku wada sugan Madaxweynaha Galmudug,Kuxigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo Khilaafku uu u dhexeeyo iyo sidoo kale Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo sheegay inuu Fashilmay Wada-hadalkii ay Labada Dhinac ka dhax wadeen.

Sidoo kale waxaa jirta Cabsi ay qabaan Dadka ku nool Magaalada Cadaado oo la Xiriirta in ay isku dhacaan Dhinacyada is haya,maadaama Magaalada ay buux dhaafiyeen Ciidamo aan la heyn Nadaam islamarkaana Mararka qaar la maqlayo Rasaas ay Cirka u ridayaan Ciidamada jooga Magaalada.

Waxaa Xiran Saaka oo Jimce ah Goobaha Ganacsiga oo Magaalada Cadaado,waxaana Dadka ay yihiin intooda badan kuwo ku jira Gurahooda oo aysan soo shaqo tagin

Turkiga Iyo Raashiya 29ka Sebteembar 2017 Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Khamiistii ku heshiiyay in la riixo abuuritaanka zoon ka caagan xasaradaha oo laga hirgelinayo gobolka muhiimka ah ee Idlib ee waqooyiga Suuriya.

Hadafka arrintani ayay madaxdani ku sheegeen sidii loo dhameyn lahaa dagaalka sokeeye ee Suuriya.

Kadib marki ay dhamaadeen wadahadalada labadani hogaamiye, ayuu madaxweyne Erdogan ka sheegay magaalada Ankara in Turkiga iyo Russia ay doonayaan inay ka dhabeeyaan dhameystirka qorshahani.

Heshiiskan ayaa loo arkaa inuu tallaabo weyn oo horay loo qaaday u yahay bilowga wadahadalo nabadeed oo lagu soo dhameynayo colaada sokeeye ee Suuriya.

Gobolka Idlib waxaa hadda maamula kooxaha Islaamiyiinta.

Qaramaddda Midooway 29ka Sebteembar 2017 Antonio Guterres ayaa sheegay in xaalado laga argagaxo ay ka warrameen dadka ka qaxay colaadda Myanmar

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa sheegay in colaadda ka taagan dalka Myanmar ay dhalisay xaalad qaaxooti oo degdeg ah iyo tacaddiyo ballaaran oo xuquuqda aadanaha ah.

Mar uu la hadlayay Golaha Ammaanka, ayaa waxa uu ugu baaqay xukuumadda Myanmar inay joojiso howlgalka milateri ee dhaliyay in nus milyan qof oo ah Muslimiinta Rohingya ay bishii lasoo dhaafay dalkaasi ka barakacaan.

Waxa uu sheegay in xaalado laga argagaxo ay ka warrameen dadka ka qaxay colaadda Myanmar.

Antonio Guterres ayaa ugu baaqay xukuumadda dalkaasi inay hay’adaha gargaarka u ogolaato gobolka Rakhine oo ah halka ay mushkiladda ka taagan tahay.

Dhanka kale, baaritaan ay BBC samaysay ayaa su’aal geliyay qaabka ay Qaramada Midoobay ula tacaashay dhibaatada haysata Muslimiinta Rohingya.

Dukumiintiyo la dusiyay ayaa muujinaya in sanadihii ka horreeyay inta aanay xiisaddan soo shaac bixin, ay mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay u jooga Myanmar horjoogsan jireen cid kasta oo ka hadasha dhibaatada qowmiyadda Rohingya ay kala kulanto dowladda Myanmar.

Saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa kula taliyay ururada xuquuqda aadanaha in aanay booqan deegaannada ay dhibaatadu ka jirto.

War qoraal ah oo uu soo saaray madaxa Qaramada Midoobay u fadhiya Myanmar ayaa lagu sheegay in arintaasi aanay jirin, isla markaana ay mudnaanta koobaad siiyaan ilaalinta xuquuqda aadanaha.

 

WARARKA MAANTA 28ka Sebteembar 2017 Sir Culus oo Deg Deg Ah

Su’aalaha Maanta: Maxay qaban kartaa Dowladda Soomaaliya Iyo bahdeeda xidid wadaag ah taasoo rabta inay ka takhalusto Dowlad Gobaleedka Galmudug oo aan soo buuxin sharuudaha ku qoran dastuurka federaalka taasoo uu ku qeexayo inay laba gobal iyo ka badan samaysan karaan Dowlad Gobaleed hoos imaan doonta Dowladda Dhexe oo hadda caddaysatay inay u soo diyaar garoowday sidii ay u burburin lahayd Dowlad Gobaleedka Galmudug, Dowlad Gobaleedka Khaatumo, Dowlad Gobaleedka Awdal State, Dowlad Gobaleedka Somalilad, Dowlad Gobaleedka Hirshabelle, Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Iyo Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayadoo la isticmaalayo lacago farabadan oo laga soo qaaday waddamada Carabta ee isku hayta siyaasaddo kale duwan. Dowladda Wada Dadban waxaa fashilay rag horay u soo fashilay Dowladdii Damu-Jadiid ee uu hoggaaminayey Khaa’inul Waddab Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud oo musuqmaasuq iyo xatooyo hanti qaran isku-darsaday sida ay wada ogtahay Ummadda Soomaaliyeed.

Qof qoyskiisa maamuli waayey iyo ehelkiisa ma waxuu wax u qaban karaa qaran dhan oo baaba’ay marka Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo wuu sixran yahay sida ay caddaysay walaashiis la dhalatay.

LIve fadeexo Sirculus Farmaajo eedadiis iyo walaashiis oo sixirkiisa ka hadlay.

https://www.youtube.com/watch?v=rTUmz-FQ9t0

Muqdisho 28ka Sebteembar 2017 Qaar ka mid ah waddooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho ayaa xilligaan waxaa ka soconaya dib u dayactir ballaaran oo uu ka wado Maamulka Gobolka Banaadir.

Waddooyinka dib u dayactirka uu ka socdo ayaa waxaa ka mid ah Wadada 30-ka ee Magaalada Muqdisho, waxaana Maamulka Gobolka Banaadir uu ka digay in Mehrado Ganacsi laga sameysto Hareeraha Waddooyinkaas , gaar ahaan goobo sharci darri ah.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in tallaabo adag uu ka qaadi doono Maamulka Gobolka Banaadir ciddii xarumo sharci darro ah ka sameysata waddooyinka hareerahooda.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shalay shir ay uga hadlayeen arrimaha degmooyinka Magaalada Muqdisho ku yeeshay xarunta Aqalka dowladda Hoose ee Xamar waxaana arrimaha aadka looga hadlay ka mid ah bilic soo celinta Magaalada Muqdisho iyo ka hortagga xarumaha Ganacsi ee ku yaalla Hareeraha waddooyinka.

Maamulka Galmudug  28ka Sebteembar 2017 Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle ayaa War-saxaafadeed uu soo saaray Garoonka magaalada cadaado kaga mamnuucay Diyaaraha ka soo baxa magaalada muqdisho markii laga reebo kuwa AMISOM iyo Diyaaradaha samafalk.

Warqad qoraal ah oo ka soo baxday Madaxtooyada Galmudug ayaa looga mamnuucay ilaa amar dambe duulimaadka Muqdisho iyo Cadaado lamana sheegin Sababta keentay arintaasi.

Go’aan kaan ayaa ku soo beegayaa iyadoo maanta la filiyay in ay muqdisho ka baxaan Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo la sheegay in ay taageersan yihiin Xil ka qaadiatii Madaxweyne Xaaf.

Riyaadh 28ka Sebteembar 2017 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo safar shaqo ku jooga Boqortooyada Sucuudi Carabiya, ayaa maanta la kulmay Boqor Salmaan Bin Cabdi Casiis.
Madaxweynaha oo qado sharaf loogu sameeyay Qasriga Nabadda ee magaalada Jeddah ayaa waxaa soo dhaweyntiisa ka qeybgalay Amiirro iyo Wasiirro ka tirsan Boqortooyada Sucuudiga.

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa Qasriga uu deggan yahay ku soo boogday Amiirka leh Dhaxalka Boqortooyada Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan, oo isla markaana ah Wasiirka Difaaca.

Madaxweynaha waxay ka wadahadleen Boqorka iyo Dhaxal-Sugaha Boqorooyada Sucuudiga xoojinta xiriirka faca weyn ee labada dal, maalgashiga, iskaashiga dhinacyada ganacsiga iyo la dagaallanka xagjirnimada, dhismaha iyo tayaynta Ciidamada Qalabka sida iyo mashaariic horumarineed oo ay dowladda Sucuudigu ka fulineyso Soomaaliya. Sidoo kale waxa ay iska wareysteen qaddiyadaha haatan ka taagan mandaqadda iyo caalamkaba.

Masuuliyiintii kale ee uu Madaxweynahu sida gaarka ah ula kulmay waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Caadil Al-Jubeyr.

Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya uu ku joogo dalkan waxay noqotay mid ku dhammaatay isfaham iyo in la sii xoojiyo iskaashiga laba dal ee walaalaha ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa wada hadallada uga qeybgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Yusuf-Garaad Cumar, La-taliyaha Madaxweynaha ee Siyaasadda Arrimaha Dibadda Mudane Balal Maxamed Cusman iyo Danjiraha Soomaaliya ee Riyaad Mudane Daahir Maxamuud Geelle.

Dhanka Sucuudiga waxaa uga qeybgalay Amiirro iyo Wasiirro ka tirsan Boqortooyada oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wasiirka Maaliyadda.

Riyaadh 28ka Sebteembar 2017 Yuusuf Garaad Cumar Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan wax lug ah ku laheyn jahwareerka Siyaasadeed ee ka taagan Galmudug iyo Maamulada kale ee Dalka ka jira isagoo eedeen kulul usoo jeediyay Madaxda Maamul Gobaleedyada Soomaaliya.

Wasiir Garaad ayaa sheegay in Dowlad Gobaleedyadu ay ku xadgudbeen Dastuurka balse aysan Dowladda Soomaaliya waxbo u dhimin xiisada ka dhax taagan Galmudug iyo kuwa kalaba ay tahay arimo dhaxdooda ah.

Wasiirka ayaa sheegay in Qaladaadka ay galeen Maamul Gobaleedyada ay DFS Shacabka la wadaagi doonto go’ aanada ay qaateyna aysan waxbo u dhimi doonin Madaxbanaanid Soomaaliya.

Maraykanka 28ka Sebteembar 2017 Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaaciyay qorshaha waxa uu ku tilmaamay canshuur dhimistii ugu ballaarnayd taariikhda dalka Mareykanka.

Trump oo ka hadlayay gobolka Indiana ayaa waxa uu sheegay in uu doonayo in uu fududeeyo hannaanka canshuuraha si shaqooyin iyo maal badan looga helo gudaha Mareykanka.

Waxa uu sheegay in dadka dabaqadda dhexe iyo kuwa shaqaalaha ahi ay ka faa’iideysan doonaan qorshahani balse aysan ku jirin kuwa dakhliga badan uu soo galo.

Sidoo kale Trump waxa uu sheegay in canshuur dhimis loo sameyn doono ganacsatada.

Madaxweyne Trump waxa uu intaasi ku daray in mar dambe aysan jiri doonin canshuurta laga qaado hantida uu dhaxal ahaan qofka u helo iyo siyaabo kale oo canshuurta dadka looga qaadi jiray.

Trump ayaa xilligii uu ku jiray ololaha doorashada ayaa waxyaabihii uu ballan qaaday waxaa ka mid ahaa in uu isbadal weyn ku sameeyo qaabka canshuuraha dalka.

Taageerayaashiisa ayaa sheegaya in isbadalkaasi uu xoojin doono koboca dhaqaalaha Mareykanka balse dadka dhaliila siyaasadda Trump ayaa waxay ku doodayaan in arrintan ay horseedi doonto in uu yaraado kharashaadkii ay dowladda ku shaqeyn jirtay.

Facebook 28ka Sebteembar 2017  Milkiilaha shirkadda Facebook, Mark Zuckerberg,ayaa beeniyay hadal ka soo yeeray madaxwayne Trump oo sheegay in bartani facebook ay mar waliba isaga ka soo horjeedo.

Mr Zuckerberg ayaa sheegay in siyaasiyiinta ay ka xun yihiin in ay arkaan qoraalo aysan jeclaysan oo lagu baahiyo barta facebook.

Waxa uu intaa ku daray in horey loogu eedeeyay in uu gacan siinayo Mr Trump xilligii lagu guda jiray doorashadii sanaddii aanu soo dhaafnay ka dhacday Mareykanka.

Turmp ayaa horey eedeeyn tan la mid ah ugu soo jeediyay wargeysyada New York Times iyo Washinton Post.

Shirkadda Facebook ayaa ku wareejinaysa 3,000 oo ah xayiisiin dhanka siyaasada ah guddiga baaraya faragalinta la sheegay in Ruushka ay ku sameeyeen doorashadii Mareykanka.

Shirkadda ayaa rumaysan in xayiisiinadan ay iibsadeen shirkado laga leeyahay Ruushka xilligii doorashadii 2016 iyo doorashada ka dib.

Shirkadaha Facebook,Twitter iyo Google ayaa laga codsaday in ay hortagaan 1 November guddiga Sanetka ee sirdoonka si ay u bixiyaan marqaati ku aadan eedeeynta faragalinta Ruushka.

Mark Zuckerberg ayaa horey u caddeeyay in uusan jeclayn Donald Trump amaba uusan jecleyn siyaasadihiisa.

Riyadh 28ka Sebteembar 2017 Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo warbaahinta la hadlay ayaa beeniyay in Madaxweynaha Soomaaliya Dalka Sacuudiga u joogo arimo la xariira Xiisadda Khaliijka.

Wasiirka ayaa sheegay in Safarkooda uu salka ku haayo arimo la xariira fulinta Mashaariic ay ku heshiiyeen Soomaaliya iyo Sacuudiga iyo wanaajinta xariirka Labada Dal balse aysan kala hadli doonin Dowladda Sacuudiga arimo ku saabsan Xiisadda Khaliijka Carbeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Gaaray Dalka Sacuugida 26-kii Bishaan waxaana Boqoshadaan uu ku joogo Riyaadh ay noqoneysaa Boqoshadii 3aad ee Dalka Sacuudiga uu ku tago Madaxweyne Farmaajo.

Maamulka Galmudug 28ka Sebteembar 2017 Xildhibaanada Maamulka Galmudug ee horaan ugu dhawaaqay in xil ka qaadis ay ku sameeyeen Madaxweynaha Maamulka Galmudug  Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa sheegey in aynan la kulmi doonin xildhibaanada labada Aqal ee Dowladda Federaalka Sooomaaliya oo ku baxay Xiisada ka taagan Cadaado.

Sababta ay u diideyn in ay la kulmaan Xildhibaanada labada Aqal ay tahay in aynan dhex dhexaad aheyn sida ay sheegeyn oo ay u janjeereeraan madaxweyne Xaaf kana sheqeynayaan sidii  uu usii fadhin lahaa xafiiska looga arrimiyo maamulkaasi.

Axmed Yuusuf Ciyoow oo kamid ah Xildhibaanada horaan u shaaciyey in ay xil ka qaadeen Madaxweyne  xaaf ayaa sheegey in Xiisada ka taagan Cadaado kaliya lagu xalin karo in Xaaf Xil ka qaadistii lagu sameeyey sideeda ay u dhaqan gasho.

“XAGALO GEEL GUNTI GELIS KA WEYN”

Waxey aheyd shalay 27/09/2017 markaan ka hadlay Xldhibaanada saaxiibada ah ee kalinimada ku tagey Cadaado waxay dhaxalsiin karto GM.

Waxaa laga yaabaa inay qalbi wanaagsanaayeen laakiin xaaladdu uma qiimeysnayn siday ila tahay.

Maamul leh Hay’ado dastuuri ah oo is khilaafay iyo Go’aan Siyaasadeed oo ka soo baxay Xildhibaanada GM ma noqon karo wax fudud ku orodkiisu. Wey ku habooneyd intaysan go’aamo kala qaadan in loo tago.

Hadda waxaa muuqata inay sii fogaatay haddii xaaf qoraal qoray uu ku dalbanayo inaysan diyaarado GM tegi karin si ka fiirsi la’aan ah. Waxay muujinaysaa caloosha odayga iyo siduu u fekerayo ee waa hubaa inuusan diyaarado GM aada joojin karin sababtoo ah:

1-Isagu GM dhulka loo bixiyey ma wada maamulo oo intiisa badan dad kale ayaa ka taliya.

2-Intii ogoleyd isagaa kala diraya marka la eego hab-dhaqanka aan laga fiirsan iyo falcelintiisa.

-Aflagaadada warbaahintu tebisay ee uu ku dul dhuftay ragii la maamulayey GM
oo uu yiri waa qabiiloobeen.

-ka hor imaanshaha go’aanka Baarlamaanka oo aan loo marin dariiq maareyneed sax ah.

-Sida warbaahibtu tebisay habkii odaygu ula dhaqmay madaxdii GM ee uu u yimid markuu xilka soo doontay.

-Cabburinta dadka deegaanka & isku deygiisa joojinta Duullimaadyo uusan wada xukumin meelahay tegi karaan.

Ugu dambeyn waxaan ishaaray shalay inay batrool ku daadin karto xaajada orodkii shalay iyaguna ku ceeboobi karaan maadaama aysan wada hanan karin waxa meesha ka jira.

Talada Xildhibaanada tegey Cadaado aan siinayo waa:

-In haddaysan meesheeedii hore ku celin karin GM ha ku hayeen meeshii ay ugu tageen oo yaan iyagoo jooga lagu kala tegin oo beel walba aadin magaaladeedii si aysan ugu ekaan kuwii kala diray maamulkii ay dhiseen taariikh xumona ugu dhicin.

Talada aan Xaaf u hayo waa:

-GM maamul ah ayaad u tagtay ee ha kala dirin oo ka daa isku dayga xoogga ìyo hab-dhaqanka ka fog hogaaminta saxan.

-Ma foga ee arrinta GM meeshii aad ka qaaday ku soo celi oo UAE taageeradeeda yuu noqon mashruucii duminta GM.

-Ka fiirso shirqoolka ay kuu dhigeen kuwii ku doodi jiray GM maahan maamul waafaqsan dastuurka JFS oo ay mar walba ku jirto sidii ay u kala diri lahaayeen.

Ree GM waxaan leeyahay:

-Iska arka shirqoolada la idiin dhigayo oo midnimadiina ayaad muunad ahe ku dagaalama. Ha aqbalina wax ka sokeeya danta guud iyo qaranimada.

Dowladda Federaalka:

-waxaan uga fadhinaa la xisaabtan rasmi ah cid kasta oo ka qeyb qaadata khalkhal gelinta siyaasadeed ee GM iyo Xushmeynta iyo ilaalinta go’aanada hay’adaha dastuuriga ah ee GM.

-Aqalka Sare iyo wasaaradda Arrimaha Gudaha waa inay u dhaqaaqaan xaqiijinta xubinimada fedaral ee GM.

-Xubnaha Golaha shacabka waxaan leeyahay qabsada howlaha qaran ee idiin yaal oo kulankii u horeeyey shalay u baaqday guntanka maadaama xubno badan iska baxeeñ idam la’aan, howshaan waxaa leh Aqalka Sare sida ku cad qod 71 ee dastuurka iyo Hay’adda Fulinta.

Guuleysta Dadkeygow
Farah HassanXildhibaan Faarax Cabdi Xasan oo si hufan uga hadlay Xasaradda Galmudug uu ka wado Madaxweynihii hore Mr. Xaaf.

“XAGALO GEEL GUNTI GELIS KA WEYN”

Waxey aheyd shalay 27/09/2017 markaan ka hadlay Xldhibaanada saaxiibada ah ee kalinimada ku tagey Cadaado waxay dhaxalsiin karto GM.

Waxaa laga yaabaa inay qalbi wanaagsanaayeen laakiin xaaladdu uma qiimeysnayn siday ila tahay.

Maamul leh Hay’ado dastuuri ah oo is khilaafay iyo Go’aan Siyaasadeed oo ka soo baxay Xildhibaanada GM ma noqon karo wax fudud ku orodkiisu. Wey ku habooneyd intaysan go’aamo kala qaadan in loo tago.

Hadda waxaa muuqata inay sii fogaatay haddii xaaf qoraal qoray uu ku dalbanayo inaysan diyaarado GM tegi karin si ka fiirsi la’aan ah. Waxay muujinaysaa caloosha odayga iyo siduu u fekerayo ee waa hubaa inuusan diyaarado GM aada joojin karin sababtoo ah:

1-Isagu GM dhulka loo bixiyey ma wada maamulo oo intiisa badan dad kale ayaa ka taliya.

2-Intii ogoleyd isagaa kala diraya marka la eego hab-dhaqanka aan laga fiirsan iyo falcelintiisa.

-Aflagaadada warbaahintu tebisay ee uu ku dul dhuftay ragii la maamulayey GM
oo uu yiri waa qabiiloobeen.

-ka hor imaanshaha go’aanka Baarlamaanka oo aan loo marin dariiq maareyneed sax ah.

-Sida warbaahibtu tebisay habkii odaygu ula dhaqmay madaxdii GM ee uu u yimid markuu xilka soo doontay.

-Cabburinta dadka deegaanka & isku deygiisa joojinta Duullimaadyo uusan wada xukumin meelahay tegi karaan.

Ugu dambeyn waxaan ishaaray shalay inay batrool ku daadin karto xaajada orodkii shalay iyaguna ku ceeboobi karaan maadaama aysan wada hanan karin waxa meesha ka jira.

Talada Xildhibaanada tegey Cadaado aan siinayo waa:

-In haddaysan meesheeedii hore ku celin karin GM ha ku hayeen meeshii ay ugu tageen oo yaan iyagoo jooga lagu kala tegin oo beel walba aadin magaaladeedii si aysan ugu ekaan kuwii kala diray maamulkii ay dhiseen taariikh xumona ugu dhicin.

Talada aan Xaaf u hayo waa:

-GM maamul ah ayaad u tagtay ee ha kala dirin oo ka daa isku dayga xoogga ìyo hab-dhaqanka ka fog hogaaminta saxan.

-Ma foga ee arrinta GM meeshii aad ka qaaday ku soo celi oo UAE taageeradeeda yuu noqon mashruucii duminta GM.

-Ka fiirso shirqoolka ay kuu dhigeen kuwii ku doodi jiray GM maahan maamul waafaqsan dastuurka JFS oo ay mar walba ku jirto sidii ay u kala diri lahaayeen.

Ree GM waxaan leeyahay:

-Iska arka shirqoolada la idiin dhigayo oo midnimadiina ayaad muunad ahe ku dagaalama. Ha aqbalina wax ka sokeeya danta guud iyo qaranimada.

Dowladda Federaalka:

-waxaan uga fadhinaa la xisaabtan rasmi ah cid kasta oo ka qeyb qaadata khalkhal gelinta siyaasadeed ee GM iyo Xushmeynta iyo ilaalinta go’aanada hay’adaha dastuuriga ah ee GM.

-Aqalka Sare iyo wasaaradda Arrimaha Gudaha waa inay u dhaqaaqaan xaqiijinta xubinimada fedaral ee GM.

-Xubnaha Golaha shacabka waxaan leeyahay qabsada howlaha qaran ee idiin yaal oo kulankii u horeeyey shalay u baaqday guntanka maadaama xubno badan iska baxeeñ idam la’aan, howshaan waxaa leh Aqalka Sare sida ku cad qod 71 ee dastuurka iyo Hay’adda Fulinta.

WARARKA MAANTA 27ka Sebteembar 2017 Sir Culus oo Deg Deg Ah Su’aalaha Maanta: Maxuu arrimahan u kashifay Agaasimaha Madaxtooyadda Mr. Fahad Yaasiin sida in laga wada takhaluso maamul gobaleedyadda oo dhan iyo in la doono lacagihii ay Dowladda Sacuugiga ugu yaboohday Dowladda Soomaaliya? Agaasimaha Madaxtooyadda Soomaaliya Mr. Fahad Yaasiin oo kashifay inuu Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu ka tanaasulay siyaasaddii dhexdhexaadnimada ahayd ee ku wajahnayd siyaasadda dowladda Carabta sidaas darteedna uu si toos ah ugu ballan furay axdigiii u dhaxeeyey asaga iyo Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo lacag waddankaas uu bixiyey looga dhigay inuu si sahlan Madaxweynaha Soomaaliya ku noqdo asagoo ayaan darro iyo siyaasad xummo ku tilmaamay arrintaas uu shaaciyey Agaasimaha Madaxtooyadda Soomaaliya Mr. Fahad Yaasiin. Agaasimaha Madaxtooyadda Soomaaliya Mr. Fahad Yaasiin oo ku dhaartay haddii uusan maqli tallooyinka uu u soo jeediyey Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo inuu kashifi doono sir badan oo uu ka duubay Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo sida uu u damacsan yahay inuu u sii burburiyo Maamul Gobaleedyadda ka dhex-jira dalka kuwaasoo caqabad joogta ah ku noqday siyaasadda Dowladda Soomaaaliya/ Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo si cad u sheegay inuu Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu u safaray dalka Sacuudiga si uu u soo qaato gunno dhaqaallo ah oo ay horay dalka Sucuudiaga igu yaboohday Dowladda Soomaaliya si ay xiriirka ugu jarto Dowladda Qadar marka waxaa waajib ah in aan xaqiiqda u sheego Ummadda Soomaaliyeed si aan barito waxba aniga si shaqsiyan ah aan la iihu qabsan oo wixii siyaasad xummo iyo dhaqaallo ahaan ahba uu masuulliyadeeda qaadi doonaa Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo 27ka Sebteembar 2017 Maxaa ka ogtahay inuu Imaamkii ugu horeeyey adduunka oo khaniis ah inuu noqday shaqsi Soomaali ah lNuur Warsame kaasoo wali aysan ka hadal culimada Soomaaliyeed gudaha dalka iyo dibaddaba sida ay uga hadleen ninkii sawirka soo dhigay oo ku tilmaamay NNKH Nebigeena wax aan lagu tilmaami karin. https://www.youtube.com/watch?v=h3JWx2GqBgo Maraykanka 27ka Sebteembar 2017 Ku-xigeenka Xoghayaha Difaaca ee dalka Maraykanka, Pat Shanahan ayaa hadalkaasi sheegay mar uu shalay Ra’isul-wasaaraha Somalia, Xasan Cali Kheyre kula kulmay Xarunta Dhexe ee Gaashaandhigga Maraykanka ee The Pentagon. Waxa uu mar kale xoojiyey Taageeradda ay Dowladda Maraykanka ka siinayso DFS sidii looga guuleysan lahaa Alshabaab iyo Kooxda Daacish, waa sida uu hadalka u yiri,. War-saxaafadeed ka soo baxay Afhayeenka Ku-xigeenka Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka ayaa lagu muujiyey inay Maraykanka kala shaqeyn doonaan DFS Go’aanadda Adag oo ku aadan  Ammaanka Qaranka ee khuseeya Heshiiskii  bishii May lagu gaaray Shirkii Arrimaha Somalia ee lagu qabtay magaalladda London. War-saxaafadeedka waxaa kaloo lagu sheegay inay Labada Hoggamiye ka wada xaajoodeen dadaalka ku aasan sidii looga hortegi lahaa inaysan Somalia hoy ka dhiganin waxa ay Reer Galebedka ugu yeeraan Kooxaha Argagixisadda, waa sida warka loo dhigay. Dhinaca kale, Ra’isul-wasaare Kheyre iyo Ku-xigeenka Xoghayaha Difaaca ee dalka Maraykanka, Pat Shanahan waxay kaloo isku raaceen inay muhiim tahay in Hawlgalka AMISOM sii wadaan dagaalka ay kula jiraan Kooxaha ku kacsan DFS iyo in la sii wado dadaalka Siyaasadda si Somalia loogu soo dabaalo Deganaansho Buuxda. Maamulka Galmudug 27ka Sebteembar 2017 1 Waxaa uu Gaarey Goaan kaligiis ah oo aan DASTUURKA Udagsan Maamulkaas u qorneyn! Latashi la aan Arimaha Emarateka uusan kala Tashan Madaxdii Maamulka kula jirtey Sidda Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne ku xigeeenka! 2: Aflagaado Goodwin iyo inuu Qabyaaladeystayaal ku tilmaamo Madaxdii Maamulkaas Galmudug asagga kaga horeeysay dhistey kagana lixjeclaa. Madaxweynuhu Wuxuu u hadlay siaan laga fiirsan oo halis galisay Jiritaanka Galmudug in aad Madaxda Taladda kaala Dhaxeeyso ku tilmaanto Qabyaaladeystayaal Taasi Waa Jariimo Siyaasadeed uusan Awoowe Xaaf ka fiirsan! 3: Xaaf wuxuu si ula kac ah Madaxtooyadda Galmudug uga Buuxiyey Ciidan beeleed aan aheyn kuwii Galmudug Wuxuu si gaar ah u beegsadey Madaxdii asagga lamidka ahaa Wuxuuna ula dhaqmay si aan Masuuliyaddi ku jirin. Waxaay Madaxtooyadda Galmudug ku sigatey in Dagaal ka dhaco Dadaal iyo Dulqaad aay muujiyeen Madaxdii la xanibey ayaa baajiyey ee nin walba Madaxtooyadda waa u joogtay Ciidan ka Amar qaata! Galmudug iyo Xaaf Waxaa weyn Galmudug ma in Galmudug la baadshay aheyd mise in aay noqoto meel u gaar ah Xaaf! Baarlamaanka Galmudug ma Galmudug la wadda leeyaheey u hiilsheen mise Galmudug Xaaf u gaar ah?? Waxaan ugu baaqayaa Sanetaradda hadda Cadaado u socda inaay kala saaraan Galmudug iyo Qaladkii Xaaf Galey! Galmudug Guriceel,Dhuusamareeb aay ka maqneyd ma noqon Karin Inaay Ceelbuur,Balanbal iyo Caabudwaaqna weeydo Xaaf wuxuu Sameeyey taas ayey ku sigatey inaay noqoto. Muqdisho 27ka Sebteembar 2017 Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay kulankooda caadiga ahaa ku yeelanayaan xarunta Golaha Shacabka, sida uu qorshaha yahay. Dhammaan xubnaha Golaha Shacabka ayaa waxaa lagu wargeliyay in maanta uu jiro kulanka, kaasi oo ajandihiisa uu yahay ka doodista iyo go’aan ka gaarista heshiiska isdhaafsiga Maxaabiixta ee Soomaaliya iyo Hindiya. Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa warbaahinta Risaala u sheegay in xildhibaanada ay isku diyaariyeen kulanka maanta ee looga hadlayo ka doodista iyo go’aan ka gaarista heshiiska isdhaafsiga Maxaabiista. Ciidamada Booliska ayaa sida caadada aheyd waxa ay xireen wadooyinka hormara xarunta Golaha Shacabka, waxaana ay aqoonsi weydiinayaan gawaarida wadooyinkaas isticmaalaya, si ammaanka loo adkeeyo. Sacuudiga 27ka Sebteembar 2017 Boqorka Sacuudiga boqor Salman ayaa soo saaray Digreeto u ogolaanaysa haweenka Sacuudiga in ay gawaarida kaxeeyaan markii ugu horeysay. Arrintan ayaa waxa si wayn ugu farxay dadkii u ololaynayay muddada dheer in haweenka loo ogolaado in ay gawaarida kaxeeyaan. Boqortooyada Sacuudiga ayaa ah dalka kali ah ee caalamka aan haweenka loo ogolayn in ay gawaarida kaxeeyaan. Ilaa waqti xaadirkan ,ragga oo kali ah ayaa loo ogol yahay Laysinka darawalnimada islamarkana haweenka lagu arko iyaga oo gawaari kaxaynaya waxa ay halis ugu jiraan in la xiro ama la ganaaxo. Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ay tahay tillaabo wanaagsan oo loo qaaday hormarinta xuquuqda Dumarka. Sahar Nassif oo u ololayn jirtay in Dumar loo ogolaado in ay gawaarida kaxeeyaan ayaa BBC u sheegtay in ay si aad ah ay ugu faraxsan tahay go’aankan islamarkana markii ay maqashay ay damaashaad samaysay. “Waxa aan hadda doonayaa in aan iibiso Gaarigii aan ku riyoon jiray,waxa uuna midibkiisa noqon doonaa madow iyo cagaar isku jira!”ayay si farxad leh u tiri Nassif Maxaa hadaba xiga oo dhici doona? Waxaa la dhisi doonaa guddi heer wasiiro ah oo tali ka baxiya arrintan muddo 30 maalmood gudahood ah. Amarka boqorka ayaa la dhaqangalin doonaa 24 June 2018 Danjiraha Sacuudiga u fadhiya Mareykanka, Khaled bin Salman, ayaa xaqiijiyay in haweenka aysan ragga uga fasax qaadan doonin wadadi Gawaarida islamarkana ay Gawaarida ku wadi karaan meel kasta oo Sacuudiga ka tirsan. Waddo sidee ah ayaa loo maray isbadalkan? Kooxaha u dooda xuquuqda aadnaha ee Sacuudiga ayaa sanooyiin badan u ololeyn jiray in haweenka loo ogolaado in gaadiidka ay kaxeeyaan. Haweenka kaxeeya gaadiidka ayaa xabsiga la dhigi jiray ,waxaana lagu eedeeyn jiray in ay sharciga jabiyeen. Ammaanta iyo soo dhawaynta loo jeediyay tillaabadan ayaa ka imanaysa gudaha Sacuudiga iyo caalamka intiisa kale. Muqdisho 27ka Sebteembar 2017 Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay  falkii Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ay ka sameeyeen shalay galinkii dambe isgoyska KM-4 ee Degmada Hodan. Ciidamada AMISOM ayaa jiiray gaari uu lahaa Muwaadin Soomaliyeed oo yaalay wadada aad dhanka Garoonka Diyaaradaha Magaaladda Muqdisho ee aadan Cadde,waxayna taasi keentay  in gaariga uu soo gaaro burbur aad u xoogan. “Waxaan aad uga xumahay falka ay maanta geysteen ciidanka Amisom, Waxaan la xiriiray madaxda ugu sareysa Amisom oo aan kala hadley falka ey maanta geysteen jawaab ayaana ka sugeynaa in ay ka bixiyaan,waxaan raali gelin u dirayaa Muwaadinka Soomaaliyeed ee garigiisa waxyeelada ay kasoo gaareen. si buuxda ayaana ula xisaabtamidoonaa shalay maanta maahan wey dhamaatey wakhtigii muwaadinka somaliyeed dalkiisa lagu waxyeeleeyo xaqiisana uu waayo u-jeedkeenu waxaa waye arinka dhacay in uusan dib dambe u dhicin”, ayuu yiri Gudoomiye Taabid. Maraykanka 27ka Sebteembar 2017 Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay in uu tallaabo milatari ku xalliyo xasaradda Kuuriyada Woqooyi, waxa uuna xukuumadda Pyongyang uga digay cawaaqib xumo ka dhalata xasaraddaasi. Waxa uu sheegay in tallaabada noocaasi ah aysan ahayn mid uu Mareykanka doorbidayo balse ay tahay mid uu qaadayo haddii lagama maarmaan ay noqoto. Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale weerar dhanka afka ah ku qaaday hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi, Kim Jong-un, oo uu ku eedeeyay in uu u dhaqmayo si xun isla markaana uu sameynayo waxyaabo aysan ahayn in la sameeyo. Trump ayaa hadalkan ka jeediyay shir jaraa’id oo si wada jir ah isaga iyo ra’iisalwasaaraha Spain Mariano Rajoy ay ugu qabteen Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo. Iraq 27ka Sebteembar 2017 Kurdiyiinta Ciraaq ayaa sanado badan doonayay madax bannaani Mas’uul sare oo ka tirsan xukuumadda gobolka Kurdiyiinta Ciraaq ayaa sheegay in madax bannaanida ay doonayaan ay tahay mid aan la joojin karin, ka dib markii ay dadka halkaa ku nool codkooda ka dhiibteen afti muran badan dhalisay. Falah Mustafa Bakir oo ah wasiirka Kurdistan u qaabilsan xiriirka dibedda ayaa BBC u sheegay in madax bannaanida ay doonayaan ay ku gaari karaan sanad gudihii. Waxa uu intaa ku daray in wadahadalka ay la leeyihiin xukuumadda Baqdaad aanu weligii ahaan karin mid jiitama. Natiijada aftidii dhacday Isniinta ayaan weli la shaacin, haseyeeshee hogaamiyaha Kurdiyiinta Ciraaq, Mascuud Barzani ayaa sheegay in shacabkiisa ay doorteen madax bannaani. Dowladda Ciraaq ayaa si weyn u diidday aftidaasi. Xukuumadda ra’iisul wasaare Xaydar Al-Cabaadi ayaa ku amartay gobolka Kurdiyiinta inuu Baqdaad kusoo wareejiyo maamulka garoomadiisa diyaaradaha ama uu wajaho xayiraad caalami ah oo dhanka duulimaadyada ah. Cadaado 27ka Sebteembar 2017 Kadib markii ay Cirka isku Shareertay Xiisadda Siyaasadeed ee ka jirta Degaanada Maamulka Galmudug ayaa Wararka la helayo waxaa ay sheegayaan in Maanta Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG Galmudug ay tagi doonaan Xildhibaanada Labada Gole ee laga soo doortay Degaanada Maamulka Galmudug si ay Xal ugu helaan Xiisadda jirta. Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha Galmudug  ayaa sheegay in Maanta Cadaado ay imaan doonaan Xildhibaanno isugu jira Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Galmudug,waxaana ay u tagi doonaan Tajinta Xiisadda jirta. Wareysiga uu Madaxweynaha Galmudug siiyay KNN ayuu sidoo kale uga hadlay Eedeyn uga timid Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo aheyd inuu Xabsi guri ka dhigay Madaxweyne Xaaf,waxaana Madaxweyne Xaaf uu sheegay in Warkaas uu been yahay Sababta loo hakiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka galmudugna ay tahay in la ilaaliyo Ammaankiisa,Maadaama ay Xiisadi ka jirto Cadaado. Kampala 27ka Sebteembar 2017 Buuqa ayaa socday muddo 20 daqiiqo ah Buuq iyo is-riix riix ayaa ka dhacay baarlamaanka dalka Uganda, goor xildhibaannada ay ka doodayeen in dastuurka waddankaasi laga saaro xadidaada da’da madaxweynaha. Muuqaal laga soo duubay baarlamaanka ayaa muujinaya mudanayaasha oo gacanta isula tegay, ka dib markii la sheegay in xildhibaan uu qori lasoo galay hoolka shirka. Gudoomiyaha baarlamaanka Uganda ayaa amray in lasoo saaro qoriga, balse waa la waayay sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah. Arinta xadidaada da’da madaxweynaha ayaa xiisad siyaasadeed ka dhalisay Uganda, maadama madaxweyne Yoweri Museveni oo hadda 73 jir ah aanu dastuurka u ogaalaneyn inuu markale tartamo. Dastuurka ayaa dhigaya in da’da madaxweynaha aanay ka weynaan 75 sano jir. Museveni ayaa xilka hayay tan iyo 1986, asagoona si dimuqraadi ah loo doortay ilaa sanadkii 1996. Balse xadidaada da’da ayaa ka horjoogsan doonta inuu mar lixaad u tartamo xilkaas doorashada dhacaysa sanadka 2021. Xisbigiisa NRM ayaa ku howlan sidii dastuurka looga saari lahaa qodobka xadidaya da’da madaxweynaha. Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay inay muddo 20 daqiiqa ah qaadatay in kulanka baarlamaanka uu caadi kusoo noqdo. https://www.youtube.com/watch?v=ZHUITHAozjM WARARKA MAANTA 26ka Sebteembar 2017 Sir Culus Su’aalaha Maanta: Maxay jaaalliyadda Soomaalida Maraykanka ugu dhex mudaaharaaday xafladdii Khaa’inul waddan Raysa; Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre oo xaqiiqsaday inay 87% naceen Dowladda Wadda Dadban ee uu rabo inuu magaca Ummadda Soomaaliyeed lacag ku dhaco taasoo beesha caalamka ay diiday inay wax lacag ah siiso Dowladda Wada Dadban? Mise waxuu rabaa inuu lacag iskaga aruursado magaca Ummadda Soomaaliyeed sidii Damu-Jadiid Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuu iiyo madaxdii kale oo ka wada horaysay? Mise waxuu umalaynayaa dhiibidii uu dhiibay Taliye Qalbi-Dhagax inuu shacabka Soomaaliyeed been iyo turufo ku dhex mari karo asagoo umalaynaya in xaflad walba lagu soo dhawaynaayo si nabad ah oo dembiga dadka iyo dalka ka galay la hilmaamay khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre oo ay khaa’inumadisa ka shiftay Shirkadda Soma Oil and Gas oo caddaysay inuusan wax $ 2 milyan ah oo saami ku darsan balse loogu magac-dhabay inay shirkadda siin doonto haddii uu u sahlo inay shirkaddan si xeeladaysan kula wareegto soo saarista khayraadka dabeeciga ee Illaahay Ummadda Soomaaliyeed ku Mannaystay. Dowladdan Wada dadban iyo daba-dhilifnimadeeda waxba uma qaban karto Ummadda Soomaaliyeed aan ka ahayn lugooyo iyo wax musuqmaasuqid Nin D-owladdii Damu-Jadiid u shaqaynayey oo la taliye sare u ahaa xagga loogooyooyinka siyaasadda dalka iyo dadka ayaa maanta beentiisa ka qarin la Ummadda Soomaaliyeed ee akhriso: http://www.somaoilandgas.com/shareholders/ Muqdisho 26ka Sebteembar 2017 Weerar ku bilaawday Qaraxyo Bam-Baanooyin ah ayaa xalay koox hubeysan waxa ay ku qaadeen Fariisin ay Ciidanka Xasilinta dhawaan ka sameestay Xaafadda Ceymiska ee degmada Yaaqshiid waxaana kadib xigay dagaal socday ku dhawaad 30 Daqiiqo. Goob joogayaal ayaa sheegay in dagaalka uu dhacay xalay Fiidkii hore waxaana la weeraray Ciidan ka tirsan kuwa Xasilinta Muqdisho oo lagu badalay Ciidan kale oo mudo dheer dagaanaa Saraha Ceymiska waana weerarkii 3aad oo lagu qaado Isbuuc gudihiis. Ilaa hadda lama oga Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay dagaalkaasi, balse dadka ku nool Saraha Ceymiska ee degmada yaaqshiid ayaa is weydiinaya waxa soo kordhiyay Weerarada Xaafadaasi markii la badalay Ciidankii halkaasi daganaa mudo dhowr sano ah Islamarkaana ay u taalay Isbaaro gaadiidka B.L.-ka lacago looga qaado. Dagaalka kadib ayaa Ciidanka waxa ay ku soo faafeen Xaafadaha waxayna halkaasi ka sameeyeen baaritaano xoog leh oo dhalinyaro lagu soo qab qabtay in kastoo qaarkood la sii daayay. Maamulka Degmada Yaaqshiid iyo Saraakiisha Ciidanka oo aan la hadlanay ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan Weerarkaasi iyo Hadii uu jiro Khasaaro ka dhashay Virginia 26ka Sebteembar 2017 Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay waqooyiga Mareykanka kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Virginia. Kulanka Jaaliyadda iyo Raisulwasaaraha Soomaliya ayaa waxa uu ku saabsanaa in Raisulwasaaraha  Soomalida  ku nool Gobolkaas la wadaago halka ay mareyso xaaladda Soomaaliya. Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu u sheegay Soomalida gobolkaas ku nool in wadanka uu ka wanaagsan yahay sidii hore islamarkaana la gaaray guulo muhiim ah oo ay ka mid tahay amniga iyo dhaqaalaha. Balse Intii ay socotay Khudbadda Raisulwasaaraha Soomaliya  ayaa waxaa hoolka galay labo qof oo ka careysnaa Go’aanka dowladda Soomaaliya ku wareejisay C/Kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) oo ah sarkaal ka Tirsan Jamhadda ONLF oo dhawaan Dowladda Soomaliya u gacan galisay Dowladda Ethopia. Labada Qof ee hoolka galay ayaa kor u qeyliyay waxaana ay sababtay in hadalka Raisulwasaaraha Soomaliya istaago. Inta badan dadka Soomaliyeed ayaa aad ugu soo horjeystay go’aankii Dowladda Federaalka Soomaliya ay ku dhiibtay C/Kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo ah sarkaal ka Tirsan jamhadda ONLF. Tarako 26ka Sebteembar 2017 Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka midowga afrika ee amisom Somaliya ayaa isaga baxay  deegaanka Tarako oo dhaca gobolka gedo ee koonfur galbeed dalka soomaaliya. Ciidamada kenya oo wata gaadiidka gaashaaman iyo kuwa xamuulka ayaa gabaldhicii shalay u dhaqaaqay dhanka degmada ceel-waaq halkaasi oo ay uga horreeyeen kumanaan askari oo arbacadii lasoo dhaafay isaga baxay degmada baardheere ee isla Gobolka gedo. Goob joogayaal ku sugan deegaanka tarako ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab ay gudaha u galeen deegaanka waxayna baaritaano ka sameeyeen saldhigyadii ay isaga guureen ciidamada kenya. Waa saldhigii labaad ee ciidamada kenya isaga baxaan bishaan gudaheeda kadib markii ay dhawaan isaga baxeyn saldhigii ugu weynaa ay ku lahaayeen degmada baardheere ee Gobolka Gedo. Maamulka Somaliland 26ka Sebteembar 2017 Maamulka Soomali-land ayaa ka hadlay wararka ku aadan in Madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf) lagu xayiray todobaadkaan garoonka diyaaradaha magaaladda Hargeysa ee Caasimadda Maamulkaas. Cumar C/llaahi Aadan oo ah Agaasimaha guud ee wasarada Dulista Hawada Maamulka Somaliland ayaa sheegay in waxba ka  jiraan ay tahay eeda Madaxweynaha maamulka Galmudug,islamarkaana markii hore diyaarad sharci aan aheyn uu ku tagay Hargeysa ayna si wanaagsan usoo dhaweeyeen. “Waxaan rabaa inaan saxaafada u cadeeyo hadal ka soo yeeray nin yiri waxaan ahay madaxweynaha Galmudug ee sheegay in lagu xayiray garoonka Hargeysa isagoo arintaasna ku eedeeyey dowlada federaalka Somalia iney ka dambeyso, arintaas waa been aan sal iyo raad toona laheyn, dowlada Somalia kama taliso Somaliand, labo dowladood oo 27 sano kala maqan baynu nahay” ayuu yiri Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliland. Maamulka Somali-land arimaha keenay xayiraadda Madaxwayne Xaaf waxay ku tilmaameen mid ay ka dambaysay Dowlada Dhaxe ee Soomaaliya,islamarkaana Somali-land ay gacmo furan kusoo dhaweysay Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf). Todobaadkaan Gudihiisa ayay aheyd markii diyaarad ka keentay Madaxweyne Xaaf  dalka imaaraadka Carabta lagu xayiray magaaladda Hargeysa, islamarkaana Muddo 5-saac kadib ay caga dhigatay magaaladda Cadaado ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Galmudug. Maamulka Galmudug 26ka Sebteembar 2017 Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamul Goboleedka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa  si kulul uga hadlay arimo ku cusub Madaxtooyada Maamulka Galmudug. Gudoomiye Cali Gacal Casir ayaa sheegay in Ciidamadii NISA laga saaray Madaxtooyada Galmudug laguna bedelay Ciidamo kale oo aan la garaneyn oo ka amar qaata Madaxweyne Xaaf. Waxa uu tilmaamay in la Xanibay Socdaalkooda loona diiday inay Madaxtooyada ka baxaan arintaasi oo keentay in Gudomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi ay la xiriiraan Dowlada dhexe. Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Maamul Goboleedka Galmudug Cali Gacal Casir oo si caro leh u hadlay ayaa sheegay in wixii loo geysto isaga iyo Madaxweyne ku xigeenka uu mas’uul ka yahay Madaxweyne Xaaf. Xiisado Colaadeed ayaa ka taagan Magaalada Cadaado ee Dowladd Goboleedka Galmudug,waxaana Ciidamada NISA ay ku dhow yihiin Madaxtooyada kuwaasi oo isku dayaya inay bedbaadiyaan Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa soo saaray amar lagu joojinayo shirarka siyaasadeed ee aan ogolaansho looga heysan maamulkiisa. Amarkan ayaa ka dambeeyay, markii ay soo baxday warar sheegaya inuu socdo qorshayaal ka dhan ah Madaxweyne Xaaf oo la doonayo in xilka looga qaado. Maamulka Jubbaland 26ka Sebteembar 2017 I Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe hoggaamiyaha Maamulka Jubbaland ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka hadlay arrinta Siyasadeed ee dalka iyo waliba sidoo kale Khilaafka Wadamada Khaliijka kaas oo saameeyay Soomaaliya. Waxa uu sheegay in dowladda Dhexe ay muhiim aheyd in ay Go’aanka ay qaadaneyso  wadatashi kala sameyso Madaxda Maamul goboleedyada dalka ka jira. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa soo hadal qaaday khilafka soo kala dhexgalay Madaxda Maamulka Jubbaland

Sidoo kale waxa uu sheegay in Mamulka Jubbaland uu diyaar u yahay in Magaalada Kismaayo uu dhigo Gogol Nabadeed oo lagu dhex dhexadinayo dowladda iyo madaxda Maamul goboleedyada.

Maamulka Galmudug 26ka Sebteembar 2017 yadoo ay weli Qalalaase Siyaasadeed ka dhex aloosan tahay Hoggaaminta Sare ee Dowlad-gobaleedka Galmudug, ayaa waxa uu Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” difaacay go’aankii lagu xabisay Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Barlamaanka ee Maamulkiisa. Madaxweyne Xaaf ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu xalay Kulan la yeeshay Xildhibaano iyo Odayaal Dhaqameed u istaagay inay wax ka qabtaan Xiisadda Siyaasadda ee ay ku kala qeybsameen Madaxda Sare ee Galmudug. Waxa uu faahfaahin ka bixiyey sababaha loo qaatay go’aankii lagu xiray Madaxweyne-ki-xigeenkiisa, Maxamed Cabdi Xaashi “Carabeey” iyo Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug,  Cali Gacal Casir. Xildhibaano ka mid ahaa Ergadii xalay la kulantay Madaxweyne Xaaf ayaa u sheegay Dalsan Radio inay Saraakiisha Nabadsugida Galmudug kula taliyeen xariga labadaasi mas’uul, si looga hortago inay gacan 3-aad ka faa’ideystaan Qalalaasaha Taagan. “Talada in la xiro Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug waxaa ii soo gudbiyey Saraakiisha Nabadsugidda, Anigana waan ku raacay, si  loo sugo Ammaanka Labadaa Mas’uul, loogana hortago xiisado kale” ayuu yiri Xaaf oo qiil u sameeyey xariga Labadaasi Mas’uul. Dhinaca kale, Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka ee ku haybta ah Maxamed Cabdi Xaashi iyo Cali Casir Gacal waxay cambaareeyeen Xarigaasi, http://www.somaoilandgas.com/shareholders/ WARARKA MAANTA 25a Sebteembar 2017 Sir Culus Su’aalaha Maanta: Maxuu Agaasimaha Madaxtooyadda khaa’in Fahad Yaasiin u rabaa inuu xilka laga qaado Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo ay cunna-qabatayn dhaqaakki si toos ah iyo si dadban uu u saaray? Maxaa la rabaa sidii Madaxweynaha Hirshabeelle State in loo cariyo? Mise Markii ay beesha caalamka diiday inay Dowladdan Wada Dadban siiso dhaqaallo ayaa waxaa la doorbidayaa in la burburiyo Maamullada dalka ka jira? Maxuu u qaban karaa Agaasimaha Madaxtooyadda Mr. Fahad Yaasin oo sida ay Qaramadda Midooway horay u fashishay musuqmaasuqiisa baahsan warbixintii ay soo saartay 13k Juulaay 2013? Mise waxay u malaynayaan inay Ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ka qarin karaan Wasiiro horay u soo galay kufsi, dil iyo musuqmaasuq hore inay lacag ka heli doonaan beesha caalamka oo warbixino xaasaasi ah horay uga qortay! Maxaase loo dilay Janaraalka maanta Xamar/Muqdisho lagu dilay? Ma ahan inay wax xil dowladdeed qabtaan dadka warbixintan Qaramadda Midooway sidaas loogu sharaxay musuqmaasuqooda baahsan!! http://www.un.org/ga/search/view_doc.asp?symbol=S/2013/413 Muqdisho 25ka Sebteembar 2017 Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa shir deg deg ah xalay waxa ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, sida ay warbaahinta Risaala u sheegeen Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada. Shirkan oo bilowday fiidnimadii xalay ayaa socday muddo ka badan labo saacadood, waxaana uu ahaa mid albaabada uu u xirnaaa. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa shir guddoominayay kulanka, waxaaana goobjoog ahaa inta badan Wasiirada. Ilaa hadda si dhab ah looma oga waxyaabaha looga hadlay shirkan, balse ilo ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in kulanka looga hadlay xiisada siyaasadeed ee Galmudug, iyo xaalada dalka. Dood dheer ka dib, ayaa la sheegay in Ra’iisal Wasaare Ku xigeenku uu soo xiray kulanka, sababo ku aadan golaha oo laba garab u kala qaybsamay, mana jirin cid Warbaahinta uga warantay wixii looga hadlay kulanka. Wariyeyaasha Magaalada Muqdisho oo bilowgii hore ee shirkan looga yeeray Aqalka Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, ayaa intii uu socday shirka lagu wargeliyay inay dib isaga laabtan. Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa isku khilaafsan go’aanka dhex dhexaadnimada ee dowladdu ka qaadatay xiisada Khaliijka, iyadoo maamul goboleedyada ay la safteen Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka. Muqdisho 25ka Sebteembar 2017 Guddigii ka koobnaa 15-ka Xubnood islamarkaana loo xilsaaray in ay ka soo talo bixiyaan Go’aankii Xukumadda Soomaaliya ay Itoobiya ugu Wareejisay C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo ahaa Sargaal ka tirsan Jabhadda ONLF ee la dagaalanta Itoobiya ayaa doortay Hogaan. Guddiga ayaa Guddoomiye u doortay Xildhibaan  Cali Xoosho, Guddoomiye ku xigeenna C/risaaq Cumar Maxamed Halka Xildhibaan  Hani Maxamed Aadan loo doortay Xogheyn. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo Kulan la qaatay Guddiga ayaa kula Dardaarmay in ay Dar dar geliyaan Hosha u taalla islamarkaana laga doonayo in Howsha loo xilsaaray ay noqoto mid miro dhashay. Xubnaha ku jira Guddiga ayaa balan qaadeen in ay howsha loo xil saaray ay si wanaagsan usoo qiimeyn doonaan isla markaana warbixin lagu qanco ay kusoo celin doonaan Golaha Shacabka Soomaaliyeed. 10-ka Bisha October ee soo socota ayaa Guddigaan laga sugayaa in Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ay ku soo celiyaan War-bixin dhameystiran oo ay ka soo diyaariyeen Kiiska C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo Gudaha Soomaaliya Muran badan ka dhaliyay markii Dowladda Itoobiya loo Gacan geliyay. Muqdisho 25ka Sebteembar 2017 Taabid Cabdi Maxamed guddoomiayaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa sheegay in aan loo dul qaadan doonin dhibateynta Shacabka Soomaaliyeed, oo xilliyada qaar dhibaatooyin kala kulama ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. Guddoomiye Taabid ayaa tilmaamay in aan la ogolaan doonin Askari ku labisan dareeska ciidamada dowladda in uu dhibaato u geysto Qof shacab ah, taasina ay ka hor imaanayso jiritaabnka Qaranka Soomaaliyeed. Waxaana uu hoosta ka xariiqay in maamulkiisa uu Gacan bir ah ku qaban doono Askarigii ku xad guba Qof shacab ah, islamarkaana ay la tiigsan doona sharciga. Hadalkan maamulka Gobolka Banaadir ayaa imaanaya, xilli inta badan dhibaatooyin xoogan shacabka kala kulamaan ciidamad dowladda, waxaana shalay Askari ka tirsan ciidamada Ilaalada Wadooyinka qof shacab ahuu ku dilay degmada Warta Nabada ee Magaalada Muqdisho. Muqdisho 25ka Sebteembar 2017 Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaliya  ayaa sheegay in dadka ajaanibta ah ee jooga Soomaaliya ay cabsi gelin ku hayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed. Waxa uu sheegay in waxyaalaha lala yaabo ee uu ku arkay Magaaladda muqdisho ay qeyb ka yihiin in muwaadin Soomaliyeed oo ku dhashay Magaaladda, in uu ka baqanayo muwaadin ajnabi ah oo dalka ogolaansho ku jooga. “Nin Xamar jooga oo caasimadiisa jooga ayaa ka baqaya nin ajnabi ah,waxaan arkay nin Soomaliya sheegana hadana Ethopia ah, wuxuu ku leeyahay waxaan ahay muwaadin Soomaliyeed, dowladda Soomaliya ayaa laga doonayaa in ay wax ka qabato arintaas”, ayuu yiri Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo kamid ah Baarlamanka Federaalka Soomaliya. Maamulka Galmudug 25Ka Sebteembar 2017 Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf) ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalkii todobaadkaan ka dhacay bariga Gobolka Mudug ee u dhaxeeyay  Maleeshiyaad kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug. Madaxweyne Xaaf oo ku laabtay magaaladda Cadaado ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ka Galmudug ahaan ay ay ka xun yihiin dagaalka dhiiga badan uu ku daatay ee ka dhacay deegaanka Godod ee bariga gobolka Mudug,wuxuuna ku baaqay in si deg deg ah loo kala dhex galo dhinacyadii halkaas ku dagaalamay. Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf) ayaa soo dhaweeyay heshiis dhawaan maamulada Puntland iyo Galmudug ay ku gaaraan Magaaladda Gaalkacyo kaasi oo dhigay in laga baaqsado dagaal mar kale ka dhaca Magaaladaas. Iraq 25ka Sebteembar 2017 Dadka Irbil oo aad u taageersan Aftida Codbixiyayaasha aftida madaxbanaanida ee muranka dhalisay ee gobolka Kurdiyiinta Ciraaq ayaa maanta u dareeraya goobaha codaynta. Raisul wasaaraha dalka Ciraaq ayaa ka digay in uu qaadi doono tillaabada lagama maarmaanka ah si uu u ilaaliyo midnimada dalka. Wadamada ree galbeedka ayaa walaac ka muujiyay in codaynta aftida ay dhalin karto rabshado cusub ayna caqabad ku noqon karto dagaalka ka dhanka ah kooxda isku magacaawday dowlada Islamka. Hasa yeeshee Kurdiyiinta oo muddo dheer u doodayay wadan ay leeyihiin Ayaan dhag u dhigin baaqyadaasi islamarkana horey u sii waday aftida. Waxaa la filayaa in aqlabiyada dadka Kurdiyiinta ay (Haa) ugu codeeyaan aftida maanta dhacaysa. Dowlada Ciraaq ayaa sheegtay in ay qasab tahay in aftida la joojiyo islamarkana aysan dhaqangalin doonin natiijada ka soo baxda. Raisul wasaaraha Ciraaq Haider al-Abadi ayaa sheegay in aftida ay tahay mid aan dastuuri ahayn. Ma uusan cadayn tillaabooyiinka uu doonayo in uu qaado. Hogaamiyaha Kurdiyiinta waqooyiga Ciraaq,Massoud Barzani, ayaa dhankiisa sheegay in aftida maanta dhacaysa ay dadkiisa u damaanad qaadayso ammaankooda. Muqdisho 25ka Sebteembar 2017 Qaar ka mida Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa wada Mooshin la Xariira Faragelin ay sheegeen in Dowladda Imaaraadka Carabta ay ku hayso Dalka. Wararka ayaa intaas ku daraya in Tiro Xildhibaanno ah ay is Qoreen,kuwaas oo doonaya in Mooshinka ay wadaan ay u gudbiyaan Guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in Lacago Malaayiin ah ay siisay Madaxweyneyaasha Maamul Gobolleedyada dalka ka jira,waxaana taasi ay Sababtay in Madaxda Maamul Gobolleedyada ay la saftaan Xulufada Sacuudiga ee xariirka u jaray Dowladda Qadar. Hayeeshee Mooshinka ay wadaan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa la xariira Faragelinta Dowladda Imaaraadka Carabta,iyadoo ay Xusid mudan tahay in horay Mooshin ka dhan ah Dowladda Imaaraadka oo Saldhig Milatari ka sameysatay Berbera Baarlamaanka la horgeeyay,balse aan la ogeyn halka uu ku dambeeyay Mooshinkaas. Muqdisho 25ka Sebteembar 2017 Generalka ayaa waxaa lagu hor dilay gurigiisa hortiisa, kaddib markii uu ka soo baxay Salaada Cishaha oo uu ku soo tukaday Masjidka Al-Iimaan oo aan sidaas uga fogeyn gurigiisa, kadibna dabelydii dilka geysatay ayaa goobta isaga baxsaday. Rag hubeysan ayaa xalay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ku toogtay General Cabdulle Maxamuud Qururux oo ka tirsanaa saraakiisha xoogga dalka.

Generalka ayaa waxaa lagu hor dilay gurigiisa hortiisa, kaddib markii uu ka soo baxay Salaada Cishaha oo uu ku soo tukaday Masjidka Al-Iimaan oo aan sidaas uga fogeyn gurigiisa, kadibna dabelydii dilka geysatay ayaa goobta isaga baxsaday.

Goobta dilka uu ka dhacay ayaa waxaa tagay ciidamo ka tirsan dowladda oo halkaa ka bilaabay baaritaanada la xiriira dilkan, waxaana maamulka degmada Waaberi ay sheegeen in Ciidamada ay ku raad joogaan raggii ka dambeeyay dilka General Qururux.

Sarkaalkan la dilay ayaa ahaa taliye ku-xigeenkii waaxda Saadka ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, mana jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay taliska ciidamada militariga.

Muqdisho 25ka Sebteembar 2017 Wasiirka Warfaafinta oo Golaha Shacabka Hor geeyey Wax Ka Bedelka Xeerka Saxaafada si ay ansixiyaan** Muqdisho, 23 September 2017 ? Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta Golaha Shacabka horgeeyey Wax Ka Bedel Lagu Sameeyey Xeerka Saxaafada si ay uga gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah una ansixiyaan. Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri ?Waxaa sharaf weyn ii ah inaan maanta hortiina imaado oo idiin soo gudbiyo Wax Ka Bedel lagu sameeyey Xeerka Saxaafada, isla markaasna idinkaga mahadceliyo doorkiina muhiimka ah ee aad ku mataleysaan bulshada Soomaaliyeed oo aan anigu ka mid ahay.? Wasiirka ayaa ka warbixiyey taariikhda uu Xeerka Saxaafada soo maray oo markii ugu horreysey 2007 uu Baarlamaankii KMG ahaa ansixiyey, walow aan markaas si rasmi ah loo dhameystirin habraacii dhaqangalka. Ka dibna dhowr jeer ayaa la isku dayey oo wax ka bedel lagu sameeyey. Wasiir Eng. Yarisow ayaa u mahadceliyey Wasiiradii ka horeeyey oo Xeerkan soo diyaariyey sida Wasiir Maareeye iyo Wasiir Mustaf Dhuxulow, iyadoo wadatashi dheer lala sameeyey dhammaan bahda saxaafada iyo Dowlad Goboleedyada sanadihii 2014 iyo 2015 iyo sanadkan 2017. September 2014 ayuu Xildhibaan Mustafa Sh. Ali Dhuxulow oo markaas Wasiirka ahaa hor geeyey Golaha Wasiirada, ka dibna ugu danbeyntii Wasiirkii hore, Xildhibaan Maxamed Cabdi Hayir (Mareye) ayaa 2015kii hor-keenay Golahan oo 28kii December 2015 la ansixiyey. Wasiir Eng. Yarisow ayaa sheegay in sababta wax ka bedel loogu sameeyey Xeerka Saxaafada ay aheyd codsi uga yimid bahda Saxaafada oo qodobo qaarkood u baahday in isbedel lagu sameeyo ka hor inta aan la dhaqangelin. Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri ?Annagoo tixgelineyna codsiga bahda saxaafada ayaan bilownay wadatashiyo oo 6 ? 8dii May 2017 kulan ku yeelanay Muqdisho oo ay Dowlad Goboleedyada iyo Bahda Saxaafada goob-joog ahaayeen. Qoddobadii wax ka bedelka ee la isku raacay ayaan wada siiqeynay. Intaas ka dib ayaan sii wadnay wadatashiga oo aan gaarsiinay heer aan Xeerkii oo isbedelka lagu sameeyey aan ka sii wadatashano. Kulamo kale oo aan Bahda Saxaafada iyo Dowlad Goboleedyada la sameynay bishii June 2017 ayaan ka sii wadatashanay iskuna wada raacnay qoddobada wax ka bedelka u baahan. 22kii Juun iyo 11kii July ayaan markale bahda saxaafada iyo Dowlad Goboleedyada u gudbinay nuquladii ugu danbeeyey, ka dibna Golaha Wasiirada ayaa 13kii July 2017 ansixiyey Xeerkan lagu sameeyey wax-ka-bedelka.? Qoddobada wax ka bedelka lagu sameeyey ayaa waxaa ka mid ah: ? Qoddobka 35aad oo shuruudihii aqoonta iyo Jaamicada ka saarnay annagoo u daneyneyna daruufaha heysta suxufiyiinta. ? Qoddobka 18aad oo isna laga saaray shuruudihii aqoonta iyo imtixaanka; ? Qodobka 5aad – Waxaa laga saaray ereyga “haddii uu fal dambi ka dhasho (criminal case)” – arrimaha fal danbiyeedka waxaa jira shuruuc kale oo ay khuseyso ? Firqadiisa T) lacagta ganaaxa oo laga dhigay 300 – 1500 (halka ay markii hore ka aheyd 500 – 3000); ? Qodobka 34aad ? Qidmada lagu fiirsado TV-ga (Tv Licence) ? halkii markii hore aheyd in qof walba oo daawada TV uu bixiyo Qidmada TV-ga, waxaan ku bedelnay in shirkadaha Cable-da ee bixiya adeegyada TV-yada in lacagaha ay shacabka ka qaadaan ay ku waajibeyso canshuur. Sababta aan u sameynay ayaa aheyd inaysan macquul noqon karin in qof walba oo daawada TV laga qaado Qidmo oo ay aad u adkaan laheyd dhaqanglintiisa. ? Qodobka 14aad – Guddiga Saxaafada Soomaaliyeed – waxaan ku darnay qeyb oraneysa Milkiile, Maamule, suxufi xarun warbaahineed u shaqeeya iyo Tifaftire waxaa ka reeban kamid-noqoshada Guddiga Saxaafada si looga fogaado danaha iska-hor-imaanaya (Conflict of Interest) – Waqtiga Guddigana waxaan ka dhignay 2 sano, halkii uu markii hore ahaa 4 sano – Sababta ayaa ah bacdamaa guddigan uu cusub yahay, tahayna markii ugu horreysey oo caqabado ay la kulmayaan in waqtiga la yareeyo, walow loogu dari karo mudada oo loo kordhin karo. ? Qoddobka 33aad – Adeega Warbaahinta Dowladda waxaa lagu bedelay Adeega Warbaahinta Bulshada – sababta ayaa ah in baahi gaar ah loo qabto adeega warbaahinta Bulshada bacdamaa uu dalku galayo marxalad xisbiyo siyaasadeed lagu hirgelinayo oo doorashooyin hal-cod iyo hal-qof ah la qabanayo. ? Qoddobka 16aad, Qoddobka 21aad, Qoddobka 27aad, Qoddobka 28aad, Qoddobka 30aad, Qoddobka 31aad waxaa lugu xusay doorka wasaaradaha Dowlad Goboleedyada. ? Qoddobka 38aad – Ilaalinta Xaqa Lahaanshaha oo markii hore af-english u fasirnaa (Copy Right) ayaan hadda ku bedelnay (Intellectual Property Rights) ? ? Qodobka 1aad – Erey bixinta oo la-tashiyo lala sameeyey Garyaqaanada ayaa erayada sixitaan lagu sameeyey, walow macnahu uu isku mid yahay ? Wasiir Eng. Yarisow aya sidoo kale yiri ?Waad dareemi kartaan ahmiyada weyn ee uu leeyahay Xeerka Saxaaafada oo muhiim u ah horumarinta warbaahinta dalka, iyo sidii ay shacabka u heli lahaayeen warar xaqiiqo ah oo la hubiyey oo bulshada u horseeda horumar, nabad iyo xoojinta midnimada ummada Soomaaliyeed. Mar haddii ay jireen qodobo aasaasi ah oo u baahnaa in wax laga bedelo si loo dhaqangeliyo xeerka ayaan fursad u siinay suxufiyiinta iyo dowlad goboleedyada oo aan si guud wax ka bedel ugu sameynay.? Wasiirka ayaa sidoo kale yiri ?Ka Wasiir ahaan waxaa iga go?an inaan kor u qaado Xoriyada Hadalka iyo Fikirka sida uu qeexayo qodobka 18aad ee Dastuurka KMG ah, tanoo muhiim u ah in suxufiyiinta Soomaaliyeed ay noqdaan kuwo leh xirfad iyo aqoon si ay si-mas?uuliyadi ku jirto ay si xor ah u tabiyaan wararka iyo barnaamijyada. Xeerkan waxuu si adag uga hadlayaa xaquuqda suxufiyiinta oo aad ogtihiin duruufaha ay ku shaqeeyaan noogana baahan inaan garab-istaagno si ay waajibaadkooda u gutaan si waafaqsan xeerka iyo shuruucda dalka. Xeerkan waxuu abuurayaa Guddiga Saxaafada Soomaaliyeed oo mas?uul ka noqonaya dhaqangelinta Xeerka oo cidii ku xad gudubta laga qaadayo tallaabada ku habboon.? Ugu danbeyntii, Wasiir Eng. Yarisow ayaa xildhibaanada Sharafta leh uu si xushmad iyo qadarin leh uga codsaday inay ka aqblaan soo gudbinta wax ka bedelka Xeerka Saxaafada oo ay ka doodaan kana gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah oo ay ansixiyaan ka dib marka ay tallooyinkooda iyo fikirkooda ku biiriyaan. DHAMAAD Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska WARARKA MAANTA 20ka Sebteembar 2017

New York September 20, 2017––Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulamo gaar gaar ah kula yeeshay magaalada New York qaar ka mid ah madaxda caalamka ka socotay ee ka qeyb galeysa shirka guud ee Qaramada Midoobey.

Ra’iisul Wasaaraha oo kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogan ayaa ugu mahad celiyay shacabka iyo Dawladda Turkiga taakulaynta aan hagarta lahayn ee ay siiyaan Soomaaliya.

“Soomaaliya marnaba Iloobi mayso walaalahood Turkiga iyo siday ugu soo gurmadeen”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Khayre mar uu la hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka soo kabaneyso dhibaatooyinkii Argagaxisada iyo dagaalkii sokeeye. Waxaana u tilmaamay baahida loo qabo in Amniga Soomaaliya kor loo qaado, si buuxdana loo tayeeyo hay’adaha Amniga si loo gaaro nabad waarta.

Madaxweyne Erdogan ayaa qiray dhankiisa horumarka la taaban karo ee Dawladda Soomaaliya ay gaartay mudada kooban.

—-DHAMMAAD—- Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Muqdisho, Somalia Maraykanka Sebteembar 20, 2017 Ururka socdaalka Dowliga ee Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya in lagu  soo celiyay 133 oo Soomaali ah kuwaa soo ku sugnaa Gudaha dalka Yemen. Wakaalada Wararka ee Turkiga ayaa  sheegtay in dadkaasi laga soo qaaday Magaalada Caddan,islamarkaana lagu soo celiyay Soomaaliya, waxaana lasoo saaray doon.

Muqdisho Sebteembar 20, 2017 27-sano, kadib markii ugu horeysay ayay Dowladda Soomaaliya  si rasmi ah ula wareegtay Maamulka hawada Soomaaliya, waxaana ay soo bandhigtay qalabkii loogu tala galay in lagu maamulo hawadda Soomaaliya.

Xaflad Kooban oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo bandhigay qalabkaasi oo muhiim ah Bulshadda Soomaaliyeed ,islamarkaana lagu hagi doono diyaaradaha maraya Hawadda Soomaaliya. Maxamed C/laahi Oomaar oo ah Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Xukuumadda Federalka ayaa  sheegay in qalabkaan cusub ay yihiin kuwa muhiim ah oo soo gudbinaya xaaladda hawada Soomaaliya.

Maraykanka Sebteembar 20, 2017 Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa u sheegay golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobe in uu burburin doono Kuuriyada waqooyi haddii lagu qasbo in ay isdifaacaan ama ay difaacaan saaxibada Mareykanka.

Waxa ay ahayd khudbad kulul oo uu ku tilmaamay hogaamiye , Kim Jong-un, “Nin sita gantaal islamarkana ku jira howlgal ismiidaamin ah.” Kuuriyadda waqooyi ayaa tijaabisay Nukliyeerka iyo gantaalo iyada oo ku gacansayrtay qaramada midoobe. Ka hor inta uusan khudbadda jeedin Mr Trump, ayaa waxa hadal jeediyay xoghayaha guud ee qaramada midoobe Antonio Guterres oo ku baaqay in laga hortago dagaal dhaca. Kim Jong-un oo daawanaya tijaabo Gantaal Madaxweyne Trump waxa kale oo uu weerarey Iiraan iyo waxa uu ugu yeeray hogaankeeda dilaaga ah, waxa uu yiri Iiraan waxay isku deydey in ay deganaansho la’aan ka abuurto Bariga Dhexe oo dhan. Donald Trump ayaa ugu baaqay Iiran in ay joojiso taageerada ay u fidiso argagixisada islamarkana waxa uu canbaareeyay heshiiskii uu Obama la galay Iiraan. Dhanka kale Iiran ayaa si cadho leh uga jawaabtay khudbadii Trump ee golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay, wasiirka arrimaha dibedda ee dlakaasi Maxamed Javad Zarif waxaa u hadalka Trump ku tilmaamay hadal nacayb ah oo jaahilnimo ka muuqato, oo aan looga bahnayn Qaramada Midoobay xilligan lagu jiro qarniga 21-naad. Hase ahaatee waxaa isna arrinkani ka hadlay Madaxweynaha Iiran Xassan Ruuxaani oo sheegay in Maraykanka uu waayi doono kalsoonida ay dunidu ku qabto hadii u ka laabto heshiiska barnaamijka nukliyeerka ee Iiran lala gaadhay. Golaha guud ee qaramada midoobe oo kalfadhiga uu socon doono ilaa Isniinta ayaa ah mid ay isugu imaadaan hogaamiyayaasha 193 dal ee xubnaha ka ah.

Muqdisho Sebteembar 20, 2017 daacadda kulmiye ayaa xaqiijisay warar xalay ilaa saakay ka imaanayay degmaa Baardheere ee gobalka gado oo ay warbaahinta Soomaalida siyaabo kala Duwan u baahisay kaas oo ku aadanaa in Ciidamada AMISOM ee Kenya ka baxeen Baardheere.

Taliyaha Ururka 49-aad  ee Guutada 9-aad ee Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed Faarax Maxamed Turbac ayaa  Xaqiijiyayin Ciidamadii Maamulka Jubbaland ee Daraawiishta iyo kuwa Kenya ay baneeyeen Guud ahaan degmadaasi waxaana degmada ku sugan Ciidanka Xoogga Soomaaliya iyo Ethiopia oo mar danbe soo gaaray degmadaasi. Taliye Turbac ayaa sheegay in aan lagu soo wargilin bixitaanka Ciidanka Jubabland iyo Kuwa Kenya balse ay arkeen oo kaliya Ciidankii oo baneeyay Saldhigyadii ay ka daganaayeen Baardheere. Goobihii ay ciidanka Baneeyeen ayaa waxaa la wareegay Ciidanka Xoogga Soomaaliya waxaana sidoo kale soo gaaray Ciidan kale oo dheeraad ah oo ka socda Ethiopia kuwaas oo markii hore ku yaraa Baardheere. Warbaahinta Soomaalida qaarkood ayaa sheegay in Ciidamadii Kenya ay ka baxeen Baardheere magaaladana ay tahay mid banaan balse wararka xaqiiqda ah ee gobalka ayaa sheegay in Ciidamadii Jubbaland iyo kuwii Kenya ay baneeyeen Islamarkaana ay amaanka magaalada sugayaan CXS oo garab ka helaya Ciidanka Ethiopia. Ciidamadii ka baxay Baardheere ayaa u ruqaansaday dhinaca Xadduuda Soomaaliya ay la wadaagto Dalka Kenya.

Muqdisho Sebteembar 20, 2017Wasiirku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocoow ayaa sheegay In Dowladda Soomaaliya ay ka gaabisay difaaca Kheyraadka Biyaha Badda Soomaaliya. Qalocow ayaa sidookale waxa uu sheegay in Kheyraadkii Badda Soomaaliya uu gacanta u galay Dowladdo shisheeye. Waxuu dowladda kadalbaday madaama ay kabaxday kumeel gaarkii in ay xoojiso difaaca biyaha badda Somaaliya.

Wasiirka ayaa sicad u sheegay in bada lagu daadiyo wasaq fuustooyin ku jirta oo xeebta muqdisho lagu arkayo xiligaan, waxaa kale oo jiran in maraakiib kaluumeysi oo dowlada Somalia aysan ka warheyn  ay ka kalumeysanyaan Xeebta Muqdisho iyo waliba kuwa Gobolada Shabeelooyin oo aan aka fogeyn caasimad oo xitaan aan saakey qaar ku arkey xebaha .
Arintaan uu sheegay Wasiir ku xigeenka Maaliyada  Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocoowayaa timid ka dib markii uu tagey Xarunta lagu soo bandhigey buugaagta ee Dhowaan laga furey Muqdisho asagoo ka warbixinayey waxa ay dowladiisa kala socoto qeyraadkeeda.
Muqdisho Sebteembar 20, 2017 Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaliya  ayaa maalinta sabtida ah u yeeray wasiiro ka tirsan Xukuumadda federaalka Soomaliya kuwaasi oo su’aalo la weydiin doono.
Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaliya Pro Maxamed Shiikh Cusmaan (Jawaari) oo maanta shir gudoominayay kulankii Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaliya ayaa markuu dhamaaday kulanka  ku wargaliyay wasiiradda Cafimaadka, Warfaafinta,iyo Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaliya in ay  hor yimaadaan Baarlamanka Soomaliya. Gudoomiye Jawaari ayaa sheegay in Xildhibaanada ay wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaliya Eng C/raxmaan Omar Osmaan (Yariisow) ay su’aalo  ka weydiin doonaan wax ka badalka lagu sameeyay xeerka Saxaafadda Soomaliya. Sidoo kale Wasiirka Cadaaladda Soomaliya  Xasan Xuseen Xaaji  ayuu sheegay In Xildhibaanada ay su’aalo ka weydiin doonaan sharciga musuq-maasuqa oo dhawaan wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaliya ay u gudbisay. Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamanka Soomaliya Pro Maxamed Shiikh Cusmaan (Jawaari) ayaa sheegay In wasiirada caafimaadka Drs Fawziya Abiikar Nuur ay xildhibaanada  su’aalo ka weydin doonaan shaqada wasaaradaas.
Muqdisho Sebteembar 20, 2017 Gabar dhalinyarro ah ayaa dhaawac culus soo gaaray kadib markii ay iska tuurtay dhisme Hotel kuyaala agagaarka Baar Ubax, degmada Howlwadaag. Sida ay sheegayaan wararka arrintan oo ka dhacay Hotel Nasiye ee xaafadda Baar Ubax ayaa la sheegay in Gabadha ay hotelka la joogtay muddo saddex cisho ah nin sheegtay in uu qabo, kadibna ay maanta falkan ku dhaqaaqday xilli uu quraac doontay. Dhismaha ay iska soo tuurtay gabadha oo ka koobnaa Saddex Dabaq ayaakeenay inay haweeneyda ka jabto qoorta, isla markaana burbur kasoo gaaro wejiga iyo ilkaha. Ciidamada Booliska H/wadaag ayaa tegay goobta falku ka dhacay, waxayna soo xireen ninkii la joogay gabadha oo lagu xiray saldhigga degmada Howlwadaag. Warar  ayaa sheegaya in gabadha oo da’deedu ka yar tahay 20-sano jir ay ku jirtay xaalad isku buuq ah oo aan la sheegin waxa sababay.

Beledweyne Sebteembar 20, 2017 Guudoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa xilka kala wareegay Cumar Aadan Ibraahim Baadiiyoow Guudoomiyihii Hore ee Gobolka Hiiraan kadib xafladd ka dhacday Magaaladda beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Munaasabada xil wareejinta ayaa waxaa ka soo qeyb-galay mas’uuliyiinta maamulka heer gobol Hiiraan  iyo degmo, Saraakiisha ciidamada dowlada, AMISOM, odayaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Ugu horeyntii Guudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cumar Aadan ibraahim Baadiyow ayaa ugu baqay bulshada in ay la shaqeeyaan maamulka cuusb isaga ku dhaliilay. Ugu dambeyntiii Guddoomiyaha gobolka Cali Jeyte ayaa ugu danbeyntii balan qaaday in uu wax badan ka qaban doono Arimaha Amniga Dib u Dhiska iyo Dib u heshisiinta, isaga oo intaa ku darray in bulshada looga baahan yahay in ay la xisaabtamaan maamulka. WARARKA MAANTA 18ka Sebteembar 2017 Sir Culus Su’aalaha Maanta: Maxuu qaban karaa Khaa’inul-Waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre oo ay beesha caalamka diiday inay xukuummadiisa lacag dhaqaallo ah? Ma waxuu umalaynayaa inuu Khaa’inul-Waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre runta ka qarin karo Ummadda Soomaaliyeed ee uu isku-dayey inuu si xeeladaysan ugu wareejiyo kheyraadooda Shirkadda Soma Oil and Gas oo $ 2 milyan oo saami beenaad ah ugu dartay saamilayaasha shirkaddaas oo kadibna ka cayrisay shirkaddaas ayadoo boggeeda Internetka ku shaacisay inuusan wax saami ah ku darsan shirkaddaas? Mise waxuu Khaa’inul-Waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre umalaynayaa luggooyadii iyo tallooyinkii khaldanaa ee uu ku jahwareeriyey Dowladda Dami-Jadiid ee Mudane Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud inay asagu si fudud ugu shaqaynayso sii jahwareerinta Ummadda Soomaaliyeed? Yaa qarin kara dagaalka ka dhacaya Muqdisho? Yaa qarin kara dagaalka ka wada socda gudaha dalka? Yaa qarin kara Soomaalida ay xasuusday Itoobiya? Yaa qarin kara khaa’inul waddanka been beenta kuwada matalaya Ummadda Soomaaliyeed? Waxqabadka Dawladda ee usbuucii la soo dhaafay 17 September 2017** Mogadishu, 17 September 2017 ? Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay. Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; **Golaha Wasiirrada Oo Ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xaqsiinta Ciidamada** 14/09/217- Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii caadiga ahaa ayaa dood dheer iyo falanqeyn ka dib si aqlabiyad leh ku ansaxiyey Hindise Sharciyeedka Xaqsiinta Ciidamada Qalabka Sida, oo muhiim u ah dib-u-habeynta ciidamada Qaranka iyo sidii dadka howlgabka ah, agoonta iyo curyaamiinta ay u heli lahaayeen xaquuqdooda aasaasiga ah. Sharcigan ayaa ahaa mid dib u eegis ku sameeyey Sharci Lr 6 ee 31kii December 1969kii, si loola saanqaado xaalada dalka ku suganyahay. **Dowladda Soomaaliya Oo Si Buuxda Loogu Wareejiyey Hawadeeda.** 14/09/2017- Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulisa Hawada ee Xukuumadda Federalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar oo uu ku weheliyo Maareeyaha Guud ee Hay?adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yusuf Jaalle) iyo ku xigeenka maareyaha Axmed Macalin Xasan ayaa gaaray magaalada Montreal ee dalka Canada, halkaasi oo xarun u ah Hay?adda caalamiga ah ee adduunka u qaabilsan duulista Hawada ee loo soo gaabiyo (ICAO). labada dhinacna waxay isku afgarteen in si buuxda loogu soo wareejyiyo hawada Soomaaliya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. **Ciidamada Kumandooska Danab ee XDS oo duqeyn ku dilay maleeshiyaad ka tirsanaa Al-shabaab** 13/09/2017-Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Caalamiga oo is garabsanaya ayaa duqeyn culus ka fuliyay Saldhigyo Al Shabaab ay ku leeyihiin Deegaanka Kuunya Barroow ee Gobolka Shabeelaha Hoose. Saldhigyada la weeraray ayaa hore kaga carareen Al shabaab, kaddib hawlgallo dhowr ah oo lagu beegsaday, keymaha oo ay muddo ku dhuumaaleysanayeen ayay dib ugu soo laabteen Saldhigyadan, iyagoo doonayay inay qaraxyo ka soo abaabulaan oo shacabka ay ku dhibaateeyaan, balse waxaa ka war helay Kumaandooska Soomaaliya oo kaashanaya ciidamo Caalami ah, waxaana weerar duqeyn ah habeenkii 12kii September lagu laayay Argagaxisada oo dhabar jab xoogan la gaarsiiyay. **Ra?Iisal Wasaaraha Soomaaliya Oo Ballan Qaday Qarashka Waxbarasho 100 Arday.** 11/09/2017- Ra?isul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kafaala qaaday in 100 arday oo ka baxay dugsiyada sare ee magaaladda Baydhabo uu ka bixin doono waxbarasho Jaamacadeed. Ra?iisul Wasaaraha ayaa ballan qaaday in uu bixin doono qarashka ku baxaya waxbarashada jaamacadeed ilaa 100 arday oo dhamaysatay waxbarashada dugsiyada sare ee magaalada Baydhabo. **R/Wasaare Khayre oo xariga ka jaray xafiisyo lagu qabto cabashooyinka dadweynaha** 10/09/2017- Xafiiskani oo loogu talagalay in in lagu qabto Cabashooyinka bulshada Soomaaliyeed ee la xiriira dhinacyada Cadaaladda iyo talo bixinta ayaa waxaa magaalaada Muqdisho ka hirgelisay Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Ra?iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre, ayaa 10kii September sirasmi ah xarigga uga jaray xaruntaasi, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda oo uu kamid ahaa Wasiirka Cadaaladda. **Dowlada Soomaaliya oo sameyneysa Siyaasada iyo Sharciga ka hortaga Tahriibka** 16/9/2017 ? Ra?iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Mohamed Guled (Khadar) ayaa shir-guddoomiyey kulanka Guddiga heer Wasiir ee Maareynta Siyaasada Tahriibka oo looga hadlay muhiimada ka hor-taga tahriibka oo dhib weyn ku haya dhalinyarada dalka, oo in badan ay khasaaro ka soo gaartay tahriibka badaha. Waxana la isku raacay in siyaasad iyo sharciyadba laga soo diyaariyo Tahriibka, si kulanka danbe looga wadatashto. Wasiirada kulanka ka qeybgalay ayaa ku nuuxnuuxsaday ahmiyada isku-xirka iyo xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta hay?adaha dowliga ah bacdamaa arrinka Tahriibka uu saameynayo hay?ado badan, loogana baahanyahay in laga wada shaqeeyo si dhalinyarada loogu abuuro shaqo, looga wacyigeliyo khatarta tahriibka, loona dareensiiyo in dalkooda ay horumariyaan ay uga fiicantahay tahriib iyo inay naftooda geliyaan khatar weyn. **Wasaaradda Arrimaha Dibadda Oo Qabatay Shirka Bilaha Ah.** 14/09/2017- Shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay dhammaan agaasimayaasha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, waxaana shir guddoominayey wasiirka waxaana diiradda lagu saarayey howlaha wasaaraddu ay qabatay bishaasi iyada oo si gaar ah loo eegayey waxyaabihii u qabsoomay Wasaaraadda Arrimaha Dibadda. Sidoo kale shirkan ayaa intii uu socday lagu casuumay Wasiirka Qorsheynta Iyo Maalgashiga, Jamaal Xasan. Aragti Iyo talooyin muhiim ah ayaa la isku weydaarsaday kuwaas oo ku wajahan sida ugu habboon ee ay labada Wasaaradood isaga kaashan lahaayeen dhinacyada ay howlahoodu is khuseeyaan. **Maxamed Cabdi Waare oo loo doortay Madaxweynaha HirShabelle** 16 September 2017 ? Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta ee Dowlada Federaaalka Soomaaliya ayaa sheegay in doorashadii ka dhacday Jowhar ay u dhacday si dimoqraadiyad ah, kuna ammaanay Baarlamaanka HirShabelle. Golaha Shacabka ee Dowlad Goboleedka HirShabelle ayaa doortay Maxamed Cabdi Waare inuu noqdo Madaxweynaha HirShabelle ka dib markii uu helay 74 cod halka Dahir Awale oo la tartamayey uu helay 23 cod. Doorashadan ayaa timid ka dib markii Baarlamaanka HirShabelle uu xilkii Madaxweynenimo ka xauubiyeen Cali Cadullaahi Cossoble. Doorashadan ayaa 16kii September 2017 u dhacday si nabad ah oo dimoqraadiyad leh oo xildhibaan walba uu codkiisa u dhiibanayey six or ah, iyadoo Dowlada Federaalka ay goobjoog ka aheyd doorashada. **Wadatashi Sharciga Socdaalka oo lagu qabtay Muqdisho** 12 September 2017 ayaa kulan wadatashi oo dib u eegis loogu sameynayo sharciga socdaalka, oo ay ka qeybgaleenn qaar ka mid ah hay?adaha dowlada iyo bulshada rayidka ah ayaa si rasmi 12kii September uga furmay magaalada Muqdisho. Wasiirada Shirka ka soo qeyb galay ayaa ka dalbaday quburada loo soo xulay in ay ka qeyb galaan wax ka badalka sharciga Socdaalka oo ay is waafajiyaan xaalada uu hada dalku marayo iyo sharcigan, Shirkan Wadatashiga ah ayaa waxaa lagu qaban doonaa mudo seddex bilood gudahood ah dhamaan Maamul goboleedyada dalka ka dibna waxaa loo soo gudbinayaa Golaha Wasiiradda si ay uga doodaan oo ay baarlamaanka ugu gudbiyaan. **Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagaxdhigay waddada Janeral Daud** 10/09/2017- Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho mudane Thabit Cabdi Maxamed ayaa dhagax dhigay waddada Janaraal Daa?uud ee isku xirta Daljirka daahsoon iyo Baar Ayaan ee waddada 30-ka. Waddadan ayaa ah mid muhiim u ah isu socodka shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayna burbursanayd tan iyo burburkii uu soo gaaray waddanka DHAMAAD Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Uganda 18ka Sebteembar 2017 Wasiirka Caafimaad Uganda oo indha shareer usoo xiratay si ay u baarto cabasho laaluush (corruption) ka jirtay isbitaalka Dowlada ee Naguru oo loogu tala galay in shacabka free u ahaado. Waxaa waayadii dambe shacabka lacago laaluush ah oo looga qaato isbitaalka dowlada ee Naguru General Hospital oo kuyaalo magaalada kampala, halkaas oo marki masuuliyiinta dowlada isku dayaan in ay soo kormeeraan ay shaqaaluhu maalinkaa joojiyaan laaluushka maadaama Madaxda dowlada ay meesha booqanaayaan balse marka laga tago horay kabilaabi jiray dhibaateynta shacabka. Waxaase go’aan fiican qaadatay wasiirka caafimaad Drs. Sarah Opendi oo inta iska soo reebtay ilaaladeedi iyo gaarigi dowlada ee lagu yaqiinay usoo xiratay indhashareer Mooto( dhugdhugley) na usoo raacday kadibna safka bukaan socodka dhinaceeda kasoo gashay si ay u ogaato xaqiiqda dhabtaa ee meesha ka jirta ay dadka kacabanayaan. Waxey dalbatay baaritaan caafimaad qeybta Laboratory ga waxaana kalkaalisooyinki meesha joogay weydiiyeen in ay siiso 150,000 oo lacagta Uganda ah oo u dhigmeysa $40 hadii kale aysan waxba uqabaneynin, marki ay intaa dhacday ayey wasiirada uyeertay police iskana feeday indhashareerki oo dadki waaga kubaryay loona sacab tumay isla goobtana ay ku amartay in xabsiga loo taxaabo labo kamid ah Shaqaalaha isbitaalka dowlada oo lacag la’aan loogu tala galay balse shacabka dhex loo fariistay. Maxaa lagud boon masuuliyiinteena hadii ay sidaas oo kale kajirto goobaha shacabka loogu adeego. Muqdisho 18ka Sebteembar 2017 Magaalada Muqdisho waxaa Maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeelanaya Xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,kulankaas oo ay uga hadli doonaan arrimo muhiim ah oo horyaalla. Xildhibaanada ayaa lagu wargeliyay in ay Maanta kulankaan soo xaadiraan, waxaana Ajandayaasha Maanta looga hadli doono ka mid ah isla markaana Akhrinta Koowaad wada mari doona Hindise Sharciyeedyada Waxbarashada iyo Biyaha. Kulankii ugu dambeeyay ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka waxa uu sheegay in arrinta ku saabsan dhiibistii Cabdi Kariim Muuse Qalbi Dhagax guddi loo saari doono kadib markii xildhibaano farabadn ay dood ka keeneen kuwaas oo ka soo tala bixiya kadibna Xildhibaanada ku soo celin doona balse taasi horay looga gudbay.Xildhibaanada ayaa haatan isku diyaarinaya ka qeyb galka kulanka Maanta oo looga hadli doono laba Ajande.Ammaanka wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Xarunta Golaha Shacabka ayaa aad loo adkeeyay, waxana la filayaa in xildhibaanada ay siweyn uga hadlaan Hindisa Sharciyeedyada Waxbarashada iyo Biyaha. Muqdisho 18ka Sebteembar 2017 Waxaa goordhow qeybo ka mid ah degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir lagu dilay mid ka mid ah gudoomiye Waaxedyada degmadaas. Gudoomiye Waaxeedka la dilay oo Haweeney ah ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray  Foos Maxamed Xuseen,waxana la sheegay in kooxda dishay ay gurigeeda ugu galeen. Arrintaan ayaa ka dhacday agagaarka Buundada Koowaad ee degmadaasi Xamar Jajab qaar ka mid ah dadka deriska lahaa Haweeneyda la dilay ayaa  sheegeen Dhacdadaan saakey lagu qaarajiyey haweenayda  . Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay dilka gudoomiye Waaxeedkaas,balse Saacadihii la soo dhaa Dhusamareeb 18ka Sebteembar 2017 Cabdi yare dhoodaan Maxamed Guuleed oo kamid ahaa bulshada Magaaladda Dhuuso mareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa meydkiisa oo geed  ka lulanaya waxaa laga helay Agagaarka deegaanka Ceeldheere oo hoostaga dhuusa mareeb. Waxa uuna kamid ahaaa dadka kunool tuulooyinka hoostaga matabaan halkaas ayuu kasoo lugeeyay sida ay sheegeen qaar kamid ah Eheladiisa isagoo markii dambe isku daldaley halka meydkiisa laga helay. Sababta uu isku daldaley Cabdi yare Dhoodaan Maxamed Guuleed ayaa waxaa lagu sheegay in xoolihii uu laha ay abaartu dhaafisey, islamarkaana uu dareemay jahwareer taasina ay keentay in uu is dal dalo, C/laahi Cabdi waxa uu ka mid yahay maamulka magalada Dhuusa mareeb simba ayuuna arintaan uga warmay. Itoobiya 18ka Sebteembar 2017 Ra’isul wasaaraha xukuumada Ethiopia Hailemariam Desalegn ayaa  kulamo la qaatay Madaxweynayaasha DDSI  Oromada, Odayaasha iyo Ganacsatada kasoo kala jeeda labada kilin oo ay colaadu u dhexeyso. Hailemariam Desalegn ayaa labada mas’uul iyo qeybaha kala duwan ee bulshada kala hadlay colaada dhiiga ku daatay ee u dhexeysa Soomaalida Ethiopia iyo Oromada, isagoona sheegay in ka dowladd ahaan ay ka shaqeynayaan sidii loo xalin lahaa. Ra’isul wasaaraha dalka Ethopia Hailemariam Desalegn waxa uu sidoo kale, madaxda diinta iyo odayaasha dhaqanka ugu baaqay inay garab istaagan labada kilil si dowladu usoo afjarto khilaafka udhaxeeya labada maamul. Raysulwasaaruhu wuxuu sheegay in dowladu khilaafka taagan go’aano cad oo hordhac ah ka qaadatay kuwaas oo ay kamid yihiin: 1-In ciidamada labada dhinac laga saaro difaacyada ay kaga sugan yihiin goobaha ay ka taagan tahay colaada, 2-In goobahaasi la geeyo Booliska Federaalka si ay u qaboojiyaan colaada. 3-In ciidamada looga danbeeyo amniga wadooyinka isku xiran ee labada kilil. 4-In dowladu hub kadhigis ka bilaabi doonto deegaanada colaaduhu kajiraan. 5-In dowladu ay maamulan doonto kuwa ka danbeeyay dhiiga daatay si sharciga loo horgeeyo. Ra’isul wasaare Hailemariam Desalegn, waxa uu Madaxweynayaasha kililada ku amray inay u hogaansamaan 5ta qodob ee uu soo saaray Hailemariam Desalegn. Maraykanka 18ka Sebteembar 2017 Fonald Trump ayaa caddeeyay in uu albaabku wali u furan yahay kasii mid ahaanshaha heshiiska cimilada ee Paris, sida uu sheegay wasiirkiisa arrimaha dibadda, arrintan ayaa timid saacado uun ka dib markii Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka uu ku adkaystay in aan wax isbadal ah lagu samaynaynin siyaasadda Maraykanka. Rex Tillerson ayaa sheegay in Maraykanku uu heshiiskaas ka sii mid ahaan doono “haddii la samayn karo shuruudo aan rumaysannahay in ay dhexdhexaad yihiin”. Haddalkiisan ayaa yimid iyadoo Aqalka cad uu goor sii horraysay diiday wararka sheegaya in Maraykanku uu dabcinayo meeshii uu ka taagnaa heshiiskaas. Bishii Juunyo Trump ayaa ku dhawaaqay in Maraykanku uu ka baxayo heshiiskaas. Madaxweynaha ayaa sheegay in heshiiskaas uu ka mid yahay “hawlaha uu ka difaacayo Maraykanka” isaga oo ku tilmaamay in dhaqaalaha Maraykanka lagu dabrayo iyada oo arrintaas loogu xaglinayo Shiinaha iyo Hindiya. Gaalkacyo 18ka Sebteembar 2017 Wararka ka imaanaya magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in Sarkaal ka tirsanaa Maamulka Puntland in lagu dilay gudaha magaaladaas. Dilkaan ayaa ka dhacay Xaafadda garsoor ee magaaladaas, gaar ahaan Agagaarka Hotel Kulmiye oo dhawaan ahayd halkii lagu dilay mid kamid ah dhalinyaradda magaaladaas. Kooxihii ka dambeeyay dilka ayaa goobta isaga baxsaday markuu dilka dhacay kadib waxaana goobta gaaray Ciidamada amaanka maamulka Puntland oo halkaas ka sameeyay baaritaano lagu badi-goobayay ragii ka dambeeyay dilka. Ragga dilka geystay ayaa la sheegay in ay u baxsadeen dhinaca Xaafadda Wadajir ee Galmudug. http://www.somaoilandgas.com/shareholders/ WARARKA MAANTA 16ka Sebteembar 2017 Sir Culus Su’aalaha Maanta: Maxuu qaban karaa Raysal Wasaare khaa’inul-Waddan ah Mudane Xassan Cali Kheyre oo khiyanadii iyo heshiiskii uu la galay Shirkadda Soma Oil and Gas ay si cad u kashiftay inaysan jirin wax saami ah uu ku darsaday shirkadda Soma Oil and Gas? Ma waxuu u maleynayey inuu Ummadda Soomaaliyeed ka qarin karo khaa’inul-waddaninimadda uu ku kacay isla-markaasna isku-dayey inuu kheyraadka Ummadda Soomaaliyeed u gacan gelin karo shirkad shihseeye ah oo agaasime uga dhigatay inay si fudud ay u dhacdo kheyraadka dalka Soomaaliya Illaahay ku mannaystay? Ma waxay maalinkasta magaalada Muqdisho dhexdeeda ugu wada dagaalamayaan ciidamo ka wada tirsan Dowladda Wada Dadban? Maxuuse Raysal Wasaare Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raamsade” ugu dhiibay Itoobiya Taliye Qalbi-Dhagax oo u dagaalamayey dib u xoraynta dhulka Soomaaliyeed ee ay xabashidu gummaysto? Maxay beesha caalamka weli lacag u siin ladahay Dowladda Wada Dadban oo khaa’inimo iyo khaa’inul-waddan noqotay taasoo musuqmaasuqeeda iyo shaqaalaysiinta Madaxdii Ururka Argagixisadda Shabaab u magaawday xilaal sar-sare? Yaa runta qarin kara? http://www.somaoilandgas.com/shareholders/ Muqdisho 16ka Sebteembar 2017 Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhexdhexaad ka tahay doorashada Maanta ka dhaceysa Magaalada Jowhar. Waxaa uu sheegay in aysan jirin  cid ay taageerayso dowladda Soomaaliya  Laakiin ay yihiin oo kaliya fududeeyayaal. Wasiir Juxa ayaa sidoo kale tilmaamay in doorashadu ay tahay mid maamul goboleed, islamarkaana dowladda Soomaaliya ay la socon doonto sida ay u dhaceyso.Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo baxaayay warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay taageerayso qaar ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Hirshabeelle. Muqdisho 16ka Sebteembar 2017 Waxa  dhowr  saacad  ka hor mar qur ah  is qabsaday Rasaas xoogan oo la ogeen  cida ay  dhaxeyso Waloowla sheegayo in ay u dhaxeyso ciidamo beeleedyo diidan in ay ka baxaan haanta dheer ee biyaha ee ku taalo jidka Warshada ee Ekis koontarool Afgooye Waxaase la maqlayaa rasaasta waaweyn ee ka dhaceys qorayga loo yaqaano dhashiikaha Dadka ku noo Muqdisho oo maal mahaan maqlin rasaas  noocaan ah  ayaa  ka wal wa’lsan Rasaata dhaceysa Rasaasta ayaaka dhaceysa Haanta dheer ee warshadaha ee u dhiw ekis koontarool Afgooyey waana kuwa diidayin ay ka   baxaan dhulka dowlada Waa ciidamo Beel kulibisan dharka dowlada kunq heeb ah Xildhibaan Mahad Salaad Wali waa la maqla yaa rasaas teel teel ah Itoobiya 16ka Sebteembar 2017 Dowlada Itoobiya ayaa sheegtay in baarayaal xuquuqda aadanaha ah ay dirtay si ay qiimayn ugu soo sameeyaan gabood falada la sheegay in ay dhaceen ka dib markii uu isku dhac dhexmaray dhinacyo iska soo horjeed. Isku dhacyada ayaa ka dhacay xuduuda u dhaxaysa gobolka ismaamulka Oromada iyo degaanka ismaamulka Soomalida Itoobiya. Isku dhacyadani ugu danbeeyay ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan 18 qof waxaana ku barakacay 30,000 oo qof. Gobolada Oromia iyo Somalida ayaa ah labada gobo ee ugu wayn dalka Itoobiya. Xiriirka u dhaxeeya labada gobol ayaa loo arkaa in ay haraysay arrinta loolan dhanka dhulka taasi oo horseeday muran iyo gacan ka hadal. Muranka ayaa inta badan la xiriira khayradka sida biyaha iyo dhul daaqsimeedka. Jubbaland 16ka Sebteembar 2017 Madaxda ugu sareysa Maamulka Jubbaland ayaa ka hadashay dagaalada isdaba jooga ah ee Al-Shabaab ay Maalmihii la soo dhaafay ku qaadayaan deeganada ka tirsan gobolka Gedo. Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in Ciidamada Al-Shabaab ee weeraarada ka geysanaya Gedo ay yihiin kuwo ay ka soo aruuriyeen qeybaha kala ee Gobolada dalka . Waxa uu sheegay in ciidamada Jubbaland iyo kuwa kale ee caawinaya ee Amisom ay haatan galeen difaac adag oo ay uga hortagayaan weerada kaga imaanaya dhanka Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay. Hadalka Madaxweyne ku xigeenka ayaa imaanaya xili saakay aroortii ay Al-Shabaab weerareen degmada Ceel Waaq ee isla Gobolkaasi Gedo, iyaga oo sheegtay in ay la wareegeen. Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ku sugan degmada Balad Xaawo isaga oo kulamo looga hadlayo dhanka amniga la leh Saraakiisha Ciidamada Jubbaland iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan. Aghooye 16ka Sebteembar 2017 Faah faahinno dheeraad ah ayaa laga helaya weerar kooxo hubeysan xalay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa suuqa Jaadka degmada Afgooye ay ku qaadeen. Wararka ayaa sheegaya in Rag hubeysan ay Tacshiirad  Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa Suuqa degmadaasi iyadoona la xaqiijiyay in 2 Askari ay ku dhinteen halka mid kale uu dhaawac halis ah ka soo gaaray weerarkaasi kaas oo la sheegay in uu ahaa Darawalka Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose. Darawalka Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose oo dhaawaciisu daran yahay ayaa iminka lagu dabiibayaa Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho. Degmada Afgooye ayaa inta badan ay ka dhacaan falalka nuucaani ah oo inta badan ay dusha u ritaan Xarakada Al Shabaab. Ma jiro wax war ah oo saraakiisha Ammaanka iyo Maamulka degmada Afgooye ay ka soo saareen weerarkaasi xalay Askarta lagu bartilmaamsaday ee ka dhacay degmadaasi. Maamulka Jubbaland 16ka Sebteembar 2017 Madaxweynaha Maamulka Jubba-land Mudane Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) ayaa lagu wadaa in dhawaan uu isku shaandheyn ku sameeyo Maamulka gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ugu Magacaaban Jubba-land. Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Jubba-land oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho  ayaa sheegay in madaxweyne Axmed Madoobe uu wado la atashiyo ku aadan isku shaandheynta uu ku samenayo Gudoomiyayaasha gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, islamarkaana mas’uuliyiin xilalka laga qaadi doono. Madaxweynaha Maamulka Jubba-land ayaa sfar shalay ku tagay Degmada Balad-xaawo ee Gobolka gedo isagoona xalay ilaa saakay kulamo la qaadanaya saraakiisha iyo Maamulka Degmadaas. Maamulka Jubbaland 16ka Sebteembar 2017 Shirka gollaha wasiiradda Puntland oo uu shir guddoominayay Madaxweyne K/xigeenku  c/xakiim Cabdullaahi xaaji Cumar ayaa lagaga dooday dhibaatadda ka taagan shilinka Soomaaliga. Golluhu wuxuu ugu dambayntii go’aan ka soo saaray lacagta la qaadanayo iyo midda aan la qaadanayn, waxayna sheegeen in Puntland laga ogolyahay  oo kaliya isticmaalka lacagta tayada leh. “Gollaha xukuumadda Puntland ayaa soo saaray go’aamo ku aadan lacagta shilling Soomaaliga ah ee laga isticmaalayo Puntland  waxayna golluhu sheegeen in Puntland laga oggol yahay lacagta tayada leh ee isticmaalka ku jirta, islamarkaana laga mamnuucay Puntland isticmaalka lacagta been abuurka ah, midda aan tayada lahayn ee duugga ah” ayaa lagu yiri warsaxafadeedkii ka soo baxay shirkii gollaha wasiiradda ee maalintii shalay ka dhacay caasimadda Garoowe. Ganacsatada iyo dadweynaha Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka cabanayay lacag duug ah oo soo buuxdhaafisay suuqyadda, taasi oo ganacsatadu ay diideen inay qaataan oo isticmaalaan, waxaa kaloo lacagtaasi diiday inay cashuur ahaan u qaataan Dowladaha hoose iyo waaxda cashuuraha beriga ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland. Lacag ka badan 10 Bilyan oo shilin Soomaaliga duug ah ayaa haatan taala bangiga Garoowe, taasi oo ahayd mid duug ah oo ay qabteen ciidamadda ilaalada Kontorooladda Puntland, waxaana laga keenay goboladda koonfureed ee dalka, iyadoo la doonayay in la soo geliyo suuqyadda, mana cadda sida laga yeeli doono lacagtaasi oo haatan u muuqata in gebi ahaanba laga diiday suuqyada Puntland. Gaalkacyo 16ka Sebteembar 2017 Maxamuud Cilmi Gullaafe Waa Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug waxaa uu sheegay in xilligan aysan wax muuuqda ka qabankarin xiisadaha ka jira deegaanada Miyiga ah ee gobolkaasi ciidamada isku dhafka ah ee dhawaan laga dhisay magaalada Gaalkacyo. Sababta ayuu ku sheegay in ciidankan oo ka kooban 100-Askaro aysan haysan hub iyo saanad ku filan taa badalkeedana Maleeshiyo beeleedka iska soo horjeeda ay haystaan hub iyo ciidan ka badan sidaa awgeedn aysan tagi karinba goobaha lagaa yabo inay ku dagaalamaan. Dowladda Soomaaliya ayuu ku dhaliilay inaysan ka fakrin qaabkii ay ku hawlgalilahaayeen ciidankaasi oo ku kooban magaalada Puntland iyo galmudugna aysan xil gaara iska saarin daryeelka ciidamada isku dhafka ah. Waxaa uu soo jeediyey Taliye Maxmuud Cilmi Gulaafe Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska G/Mudug ee Galmudug in dowladdu ay xafiis u kuur-gala xaaladda ay ku shaqeeyaan ciidamada isku dhafka ahay ka furato magaalada Gaalkacyo. Deegaanada Miyiga ah ee Gobolka Mudug gaar ahaan dhinaca Bariga ayaa waxaa ka taagan xiisado dagaal isku badala mararka qaar oo u dhexeeya Maleeshiyaad ku kala abtirsada Maamulada Puntland iyo Galmudug,waxaana dowladda Soomaaliya oo Kaashaneysa labada Maamul ee halkaa ka jira ay sameysay ciidan ka kooban labad dhinac oo loogu talagalay inay ka hortagaan xiisad walba oo maleeshiyaadka soo kala dhax-gasha,waloow wali ciidamadaasi aysan sameyn tillaabo la xusikaro oo arintan ku saabsan. IGAD 16ka Sebteembar 2017 Qoraal ka soo baxay xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD ayaa lagu sheegay in magacii hore ee uu urur goboleedka IGAD ku howlgalayay dalka Soomaaliya la bedelay. Xafiiska IGAD ee dalka Soomaaliya oo la furay sanadkii 2008-dii ayaa howlaha loogu talagalay inuu qabto waxaa ka mid ah inuu ka caawiyo dowlada federalka Soomaaliya  nabad dhisida,ammaanka iyo xasiloonida iyadoo loo marayo dib u heshiisiin heer qaran. Qoraalkaan ayaa lagu sheegay in xafiiska IGAD ee dalka Soomaaliya uu lahaa labo magac taasoo keentay in ay abuurto jahwareer ka dhashay aqoonsiga xafiiska. Sidoo kale Qoraalka  ayaa lagu sheegay in laga bilaabo maanta xafiiska uu ku howlgalayo magaca ah Xafiiska Howlgalka Gaarka ah IGAD ee dalka Soomaaliya,”IGAD Special Mission to Somalia (ISMS). Gedo 16ka Sebteembar 2017 Ciidamo sida la sheegay uu soo amray hoggaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa Xabsiga degmada Baladxaawo dhigay Taliye ku xigeenkii Ciidamada Booliska Soomaaliya u qaabilsanaa Gobolka Gedo Cor.Xuseen Axmed Haliil oo la sheegay in muddo Maamulka jubbaland uu qorsheynayey in la xiro. Taliye xigeenka ayey wararku xaqiijinayaan in gurigiisa lagala baxay sida ay inoo xaqiijiyeen xubno ka mid ah ehelka masuulka la xiray. Saynab Xasan Axmed waxaa adeer u ah Cor Haliil oo u xiran Maamulka Jubbaland  ayadoo sheegtay in adeerkeed isagoo gurigiisa jooga ay qasab ku wadeen ciidan ay sheegtay inay u abaabulnaayeen qaab qabiil islamarkaana aysan garaneyn sababta keentay arintan,markii saldhigga ay uga taba-tageenna lasoo xabadeeyey sida ay hadalka u dhigtay. Waxaa ay intaa raacisay in Muddo hadda laga joogo laba bilood uusan wax shaqa ah qabanin kadib markii uu hanjabaad kala kulmay madaxda Maamulka jubbaland sidaana uu shaqadii ku joojiyey xabsi-gurina uu ahaa,waxaana ay ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay arintaan soo faragaliso ayna ku dadaasho sidii taliye ku xigeenku xorriyadiisa dib ugu helilahaa. Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland gaar ahaan wasaaradaha Amniga,Arimaha Gudaha, Maamulka Gobolka Gedo iyo Kan degmada Balad-xaawo oo aan la xariirnay dhammaantood nooma suura-galin inay arintan wax nag dhahaan,balse maalmihii dambe ayaa Madaxd Maamulka Jubbaland waxaa ay wadeen qorshe ay ku xirayaan Saraakiisha iyo ciidamada dowladda Soomaaliya kaga sugan deegaanada Maamulkaasi kadib markii ay isku fahmi waayeen sida ay uga wada howlgalayaan degmooyinkaasi. WARARKA MAANTA 17ka Sebteembar 2017 Sir Culus Khaa’inul Waddan lacag la siin doono! Yaa runta qarin karo? Beesha beesha caalamka dhaqaallo ma siin doonto Khaa’inul waddankan ee ay Qaramadda Midooway hor u kashiftay musuqmaasuqiisa iuo khaa’inul-waddanimadiisa? Su’aalaha Maanta: Maxuu khaa’inul Waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre ka hor sheegi doonaa kulkana Qaramadda Midooway ee ay ku qabtaan magaalada New York sannad walba? Ma waxuu ka hor sheegi doonaan Dowladda Wada Dadban waxay shaqo siisay Madaxdii Ururka Argagixisadda Al-Shabab inay haddana ku dilaan magaca dowladda Ummadda Soomaaliyeed ee ay wada jahwareeriyeen? Mise waxuu ka hor sheegi doonaa khaa’inul waddanimada iyo u shaqaynta shisheeyaha taasoo mar hore uu damcay inuu u fududeeyo sidii ay u dhici lahaayeen kheyraadka dabeeciga ah ee Illaahay ku mannaystay Ummadda Soomaaliyeed? Waxaanu Ummadda Soomaaliyeed u sheegaynaa inuu khaa’inul Waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre ceeb iyo waji-gabax kala kulmi doono shirka Qaramadda Midooway ee ka dhacaya New York ayadoo la qaybin doono dembiyada iyo khasaraha tooska ah iyo kan dadban ee ay Ummadda Soomaaliyeed ka galayaan Madaxdan uu asaga kamid ah yahay isla-markaasna beesha caalanka aysan wax dhaqaalo ah siin doonin. https://www.youtube.com/watch?v=XgOgYki9daA Muqdisho 17ka Sebteembar 2017 Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo lagu doortay Shalay Magaalada Jowhar. Qaramada Midoobey waxa ay sheegtay in Madaxweynaha cusub laga doonaayo in uu waxbadan ka qabto xaaladda cakiran ee degaanada maamulka Hirshabeelle. Qaramada Midoobey ayaa ugu baaqday in dhammaan dhinacyadda kunool Hirshabeelle in ay aqbalaan Natiijadii uu kusoo baxay Maxamed Cabdi Waare. Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa shalay doorashadda ka dhacday Magaalada Jowhar ku doortay Maxamed Cabdi Awaare, ka dib markii Bishii hore ay xilka ka qaadeen Cali Cabdullaahi Cosoble. Koongo 17ka Sebteembar 2017 Qaramada Midoobe ayaa ku baaqaday in baaritaan lagu samaynayo dilka qaxootiga Qaramada midoobay ayaa ku baaqday in baaritaan lagu sameeyo bariga dalka Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Congo oo lagu dilay qaxooti Kasoo jeeda burundi. Howlgalka Nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee MONUSCO wuxuu sheegay in Ciddamada Amaanka ee dawladu ay toogteen 37 qof oo qaxooti ah ayna dhaaweceen 117 kale. Florence Marchal waa ku simaha Afhayeenka Howlgalka Nabad ilaalinta Qaramada midoobeay ee dalka Kongo, iyada oo ku sugan magalada Kinshasa ayaa waxay ugu baaqday ciddamada Ammaanka in ay xaalada xakameyaan. Hal askari ayaa lagu dilay dhacdadan kadib markii qaxootiga ay dibedbax ka sameyeen afar qof oo reer burundi ah oo Kongo laga tarxili rabay. Jimmy Nemeyimana waa qaxooti ku nool xero ku taala magaalada Kamanyola oo ah halka colaadu ay ka dhacday. Waxaa u sheegay in sarkal maxali ah u halkaasi booqday maalmo yar uun ka hor, waxaa uuna sheegay in xukkumadu ay ka war hayso waxaa halkaasi ka socday. Dhankakale,Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Congo ayaa sheegay in ciidamada ay qarqiyeen qaxootiga oo dhagax kala daalay. Boqolaal kun oo qaxooti reer Burundi ayaa dalkooda isaga qaxay kadib markii colaad ay dalkaasi ka bilaabatay kadib go’aankii madaxweyne Pierre Nkurunziza ku doonayay in xafiiska uu mar saddexaad u tartamo. Beledweyne 17ka Sebteembar 2017 Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa saakay aroortii weerar ku qaaday degaanka Kalabeyr oo ku yaalla duleedka Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay Al-Shabaab ayaa qabsaday degaankaasi, ka dib markii ay dileen Askar ku sugned Kontoroolka degaanka Kalabeyr. Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay degaanka la wareegeen , islamarkaana dadka degaanka ay arkeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo Kalabeyr dhexmaraya. Gurmad ciidan ayaa hadda ka socda Magaalada Baledweyne , Qaramaddda Midooway 17ka Sebteembar 2017 Xoghayaha guud ee Qaramada midoobe Antonio Guterres ayaa mar kale ugu baaqay hogaamiyaha Myanmar, Aung San Suu Kyi,in ay soo afjarto howlgalada militari ee ku qasbay kumanaanka kun ee qof ee ah muslimiinta Rohingya in ay u qaxaan Bangladesh. Mr Guterres ayaa u sheegay BBC in Aung San Suu Kyi ay haysato fursad ay dib u eegis ugu samayn karto xaaladda marka ay khudbadda u jeedinayso qaranka talaadada soo socota. Mr Guterres ayaa sheegay in haddii aysan imika tilaabo qaadin ay musiibada noqon karto mid naxdin leh. Xoghayaha guud ee qaramada Antonio Guterres ayaa carabka ku adkeeyay in dadka rohingya loo ogolaado in ay dalkooda dib ugu labtaan. Waxa uu sheegay in ay iska caddahay in uu jiro cadaadis ka imanaya militariga Myanmar. Qaramada midoobe ayaa hore ugu tilmaamtay wax ka socda Myanmar isir sifeyn. Aung San Suu Kyi oo hore loo siiyay abaalmarinta nabdda ayaa imika wajahaysa cadaadis xoogan oo ku saabsan in ay wax ka qabato howlgalada militari ee ka dhanka ah Muslimiinta Rohingya. Dad gaaraya 400,000 oo qof oo ah Muslimiinta Rohingya ayaa ka qaxay Myanmar islamarkana gaaray dalka dariska la ah ee Bangaladesh. Qaahira 17ka Sebteembar 2017 Shirkii 148 ee Wasiirada arrimaha dibada ee jaamacada carabta oo Soomaaliya ay ku jirto ayaa lagu qabtay magaalada Qaahir ee caasimadda Dalka Masar,kaasi oo looga hadlayay arrimo ay kamid yihiin wadamada xasaraduhu ay kajiraan. Dowladda Soomaaliya ayaa shirkaasi waxaaa uga qeybgalay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya Mudane C/qaadir Axmed kheyr iyo wefddi uu hoggaminayo oo jooga dlakaasi Masar iyadoo shirkaasi si gaar ah diiradda loogu saarey arrimaha Soomaaliya. Wasiiru Dowlaha Arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyaya waxyaabaha shirkaasi looga hadlay. “Ajandayaasha jaamacadda carabta sanad walba waa la sii qorsheeyaa inta uu shirka dhicin,ajandayaasha shirkan waxay ahaayeen sidii loo taageeri lahaa qadiyadaha taagan hadda meelaha xasaradaha ay ka taagan yihiin sida Falastiin,Suuriya , Lubnaan, Liibiya iyo Yamen, anaga waxa naga quseeya in la taageero Soomaaliya”,Ayuu yiri wasiiru Dowlaha “hadda ka hor Jaamacadda Carabta ayaa go’aan ka soo saartay in la taageero Dowladda  Soomaaliya marka taageeradaas ayaa rabnay inan sii xoojino oo wajiyo kalla duwan leh , taageerada marka la rabo in la sameeyo mashruuc waxaa jira la yiraahdo Dib u dhiska Soomaaliya oo la rabo in la qaban qaabiyo mid kalle waxaa jiro la dhaho taakuleynta waxbarashada Soomaaliya oo isagana la rabo in  shir gooni ah loo qabto oo Dowladda Kuwait ay qaban qaabin doonto”,Ayuu intaasi ku daray. Mudane C/qaadir Axmed Khayre. Dhanka kalle Wasiiru Dowlaha ayaa si gaar ah u la kulmay Wasiirada arrimaha dibadda ee Dalalka Masar, Ciraaq iyo Wasiiru Dowlaha arrimaha dibadda ee Dalka Tunisia,iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ay Dowladda Soomaaliya la lee yihiin . Maamulka Galmudug 17ka Sebteembar 2017 Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa ka hadlay arinta la xariirta hanaanka loo qaybinayo raashinka mucaawinadaa ee Loogu Deeqay Galmudug taa oo ilaa Iyo hada ku Jira Bakhaaro Ku yaala Deegaanada Galmudug. Xildhibaan Cabdi Sugule Guuleed oo warbaahinta la hadlay ayaa si kulul uga hadlay Arimahaasi,wuxuuna xusay hadaan Si deg deg ah loo qaybin Raashinka ay qaadi doonaan talaabo Sharciga waafaqsan ayna horay u dhaceen arimo lagu lunsaday deeqo loogu tala galay dadka masaakiinta ah, Xildhibaan Sugule wuxuu Sidoo kale sheegay In zaalada ka dhalatay raashinkii 2016kii Galmudug Loogu Deeqay ee la musuq maasuqay Sababtay In Xilkii laga qaado Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed hadana ay ka fiirsan doonaan sida howshaan loo Wajaho. Maamulka Puntland 17ka Sebteembar 2017 Maxkamada Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland ayaa Maanta la filayaa in ay la horgeeyo 11 rag ah kuwaas oo bishii julay ee sanadkaan laga qabtay duleedka magaalada Garowe, iyagoo sheegtay inay u socdeen buuraha Galgala ee gobolka Bari. Ragaan ayaa shalay la horgeeyay Maxkamada Gobolka Nugaal balse saddex ka mid ah ayaa la siidayay kadib markii Maxkamadu ay sheegtay in aan lagu helin wax dembi ah. Taliyihii hore ee qeybta booliska gobolka Nugaal Cabdirashiid Maxamuud Aw-xuseen ayaa ragaan ku eedeeyay in xiliga la qabanayay ay wateen raashin iyo Agab kale isla markaana qorshahooda uu ahaa in ay ku biiraan Al-Shabaabka ku sugan Buuraha Galgala.Puntland ayaa Sanadihii u dambeeyay waxa ay dagaal kula jirtaa Al-Shabaab iyada oo dhowr mar Al-Shabaab weerareen degaano ka tirsan Puntland, waxana sidoo kale xusid mudan in weli Xabsiyada Puntland ay ku xiran yihiin dad lagu eedeynayo in ay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab isla markaana ay ka dambeeyaan falal amnbidaro oo ka dhacay deegaanada Puntland. New York 17ka Sebteembar 2017 Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali kheyre ayaa dhawaan ka qeyb galaya Shir ka dhacaya magaalada New York ee dalka Mareykanka. Shirkan oo ay soo qaban qaabisay dowladda Qatar ayaa ka dhinac furmaya shir sanadeedka guud ee Qaramada Midoobey Wafdi Horudhac u ah Rasulwasaaraha Soomaliya Xasan Cali kheyre ayaa gaaray magaaladda New York ee dalka Mareykanka waxaana hogaaminaya wasiirka Arrimaha Dibada Xukuumadda Soomaliya Yuusuf Garaad Cumar. “Waxaan hordhac u ahay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre oo isaga oo hoggaaminaya wafdi Wasiirro ka kooban Soomaaliya ku matali doona shirka Golaha Guud ee Qarammada Midoobay oo Madaxda Caalamku ay sannadkiiba mar isugu yimaadaan. Shirka Qarammada Midoobay waxaa wafdiga u wehliya shirar-doceedyo aan la yeelaneyno madaxda wufuudda dowladaha shirka ka soo qeyb gelaya qaarkood, Madax Mareykan ah, ururro caalami ah iyo xubno ka mid ah Soomaalida Mareykanka”, ayuu yiri Yuusuf Garaad Cumar. Dowladda Soomaaliya ayaa bishii June ee sanadkan mowqif dhex dhexaad ah ka qaadatay xiisadii siyaasadeed ee dalalka Khaliijka, kaddib markii Xulafada Sacuudiga hoggaaminayo ay xiriirka u jareen dalka yar ee Qatar. Muqdisho, Sebtember 17, 2017  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub ee Dowlad Gobolleedka Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Awaare.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu bogaadiyeya hannaankii ay u qabsoontay doorashada Hirshabelle, isaga oo ku tilmaamay mid ka tarjumaysa bisaylka siyaasadeed ee ka hana qaaday guud ahaan dalka.

Madaxweynuhu waxa uu kula dar-daarmay dhammaan bulshada Hirshabelle in ay ka wada shaqeeyaan taaba-galinta iyo hana-qaadka Maamulkooda, si lo xaqiijiyo horumarka iyo nabadgalyada deegaanka.

““Waxaan Alle uga baryaayaa, hoggaanka cusub ee Hirshabelle, in uu u fududeeyo howlaha adag ee horyaalla, oo ay ka mid tahay dar-dargalinta dib-u-heshiisiinta, xaqiijinta amniga iyo dhamaystirka dhismaha maamulka.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xariiqay in Dowladda Faderaalka Soomaaliya ay ka go’antahay dhamaystirka nidaamka faderaal, si loo xaqiijiyo dib u soo kabashada dalka.

DHAMMAAD

Muqdisho, Sebtember 17, 2017 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub ee Dowlad Gobolleedka Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Awaare.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu bogaadiyeya hannaankii ay u qabsoontay doorashada Hirshabelle, isaga oo ku tilmaamay mid ka tarjumaysa bisaylka siyaasadeed ee ka hana qaaday guud ahaan dalka.

Madaxweynuhu waxa uu kula dar-daarmay dhammaan bulshada Hirshabelle in ay ka wada shaqeeyaan taaba-galinta iyo hana-qaadka Maamulkooda, si lo xaqiijiyo horumarka iyo nabadgalyada deegaanka.

““Waxaan Alle uga baryaayaa, hoggaanka cusub ee Hirshabelle, in uu u fududeeyo howlaha adag ee horyaalla, oo ay ka mid tahay dar-dargalinta dib-u-heshiisiinta, xaqiijinta amniga iyo dhamaystirka dhismaha maamulka.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xariiqay in Dowladda Faderaalka Soomaaliya ay ka go’antahay dhamaystirka nidaamka faderaal, si loo xaqiijiyo dib u soo kabashada dalka.

DHAMMAAD

WARARKA MAANTA 16ka Sebteembar 2017 Sir Culus Su’aalaha Maanta: Maxuu qaban karaa Raysal Wasaare khaa’inul-Waddan ah Mudane Xassan Cali Kheyre oo khiyanadii iyo heshiiskii uu la galay Shirkadda Soma Oil and Gas ay si cad u kashiftay inaysan jirin wax saami ah uu ku darsaday shirkadda Soma Oil and Gas? Ma waxuu u maleynayey inuu Ummadda Soomaaliyeed ka qarin karo khaa’inul-waddaninimadda uu ku kacay isla-markaasna isku-dayey inuu kheyraadka Ummadda Soomaaliyeed u gacan gelin karo shirkad shihseeye ah oo agaasime uga dhigatay inay si fudud ay u dhacdo kheyraadka dalka Soomaaliya Illaahay ku mannaystay? Ma waxay maalinkasta magaalada Muqdisho dhexdeeda ugu wada dagaalamayaan ciidamo ka wada tirsan Dowladda Wada Dadban? Maxuuse Raysal Wasaare Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raamsade” ugu dhiibay Itoobiya Taliye Qalbi-Dhagax oo u dagaalamayey dib u xoraynta dhulka Soomaaliyeed ee ay xabashidu gummaysto? Maxay beesha caalamka weli lacag u siin ladahay Dowladda Wada Dadban oo khaa’inimo iyo khaa’inul-waddan noqotay taasoo musuqmaasuqeeda iyo shaqaalaysiinta Madaxdii Ururka Argagixisadda Shabaab u magaawday xilaal sar-sare? Yaa runta qarin kara? http://www.somaoilandgas.com/shareholders/ Muqdisho 16ka Sebteembar 2017 Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhexdhexaad ka tahay doorashada Maanta ka dhaceysa Magaalada Jowhar. Waxaa uu sheegay in aysan jirin  cid ay taageerayso dowladda Soomaaliya  Laakiin ay yihiin oo kaliya fududeeyayaal. Wasiir Juxa ayaa sidoo kale tilmaamay in doorashadu ay tahay mid maamul goboleed, islamarkaana dowladda Soomaaliya ay la socon doonto sida ay u dhaceyso.Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo baxaayay warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay taageerayso qaar ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Hirshabeelle. Muqdisho 16ka Sebteembar 2017 Waxa  dhowr  saacad  ka hor mar qur ah  is qabsaday Rasaas xoogan oo la ogeen  cida ay  dhaxeyso Waloowla sheegayo in ay u dhaxeyso ciidamo beeleedyo diidan in ay ka baxaan haanta dheer ee biyaha ee ku taalo jidka Warshada ee Ekis koontarool Afgooye Waxaase la maqlayaa rasaasta waaweyn ee ka dhaceys qorayga loo yaqaano dhashiikaha Dadka ku noo Muqdisho oo maal mahaan maqlin rasaas  noocaan ah  ayaa  ka wal wa’lsan Rasaata dhaceysa Rasaasta ayaaka dhaceysa Haanta dheer ee warshadaha ee u dhiw ekis koontarool Afgooyey waana kuwa diidayin ay ka   baxaan dhulka dowlada Waa ciidamo Beel kulibisan dharka dowlada kunq heeb ah Xildhibaan Mahad Salaad Wali waa la maqla yaa rasaas teel teel ah Itoobiya 16ka Sebteembar 2017 Dowlada Itoobiya ayaa sheegtay in baarayaal xuquuqda aadanaha ah ay dirtay si ay qiimayn ugu soo sameeyaan gabood falada la sheegay in ay dhaceen ka dib markii uu isku dhac dhexmaray dhinacyo iska soo horjeed. Isku dhacyada ayaa ka dhacay xuduuda u dhaxaysa gobolka ismaamulka Oromada iyo degaanka ismaamulka Soomalida Itoobiya. Isku dhacyadani ugu danbeeyay ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan 18 qof waxaana ku barakacay 30,000 oo qof. Gobolada Oromia iyo Somalida ayaa ah labada gobo ee ugu wayn dalka Itoobiya. Xiriirka u dhaxeeya labada gobol ayaa loo arkaa in ay haraysay arrinta loolan dhanka dhulka taasi oo horseeday muran iyo gacan ka hadal. Muranka ayaa inta badan la xiriira khayradka sida biyaha iyo dhul daaqsimeedka. Jubbaland 16ka Sebteembar 2017 Madaxda ugu sareysa Maamulka Jubbaland ayaa ka hadashay dagaalada isdaba jooga ah ee Al-Shabaab ay Maalmihii la soo dhaafay ku qaadayaan deeganada ka tirsan gobolka Gedo. Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in Ciidamada Al-Shabaab ee weeraarada ka geysanaya Gedo ay yihiin kuwo ay ka soo aruuriyeen qeybaha kala ee Gobolada dalka . Waxa uu sheegay in ciidamada Jubbaland iyo kuwa kale ee caawinaya ee Amisom ay haatan galeen difaac adag oo ay uga hortagayaan weerada kaga imaanaya dhanka Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay. Hadalka Madaxweyne ku xigeenka ayaa imaanaya xili saakay aroortii ay Al-Shabaab weerareen degmada Ceel Waaq ee isla Gobolkaasi Gedo, iyaga oo sheegtay in ay la wareegeen. Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ku sugan degmada Balad Xaawo isaga oo kulamo looga hadlayo dhanka amniga la leh Saraakiisha Ciidamada Jubbaland iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan. Aghooye 16ka Sebteembar 2017 Faah faahinno dheeraad ah ayaa laga helaya weerar kooxo hubeysan xalay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa suuqa Jaadka degmada Afgooye ay ku qaadeen. Wararka ayaa sheegaya in Rag hubeysan ay Tacshiirad  Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa Suuqa degmadaasi iyadoona la xaqiijiyay in 2 Askari ay ku dhinteen halka mid kale uu dhaawac halis ah ka soo gaaray weerarkaasi kaas oo la sheegay in uu ahaa Darawalka Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose. Darawalka Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose oo dhaawaciisu daran yahay ayaa iminka lagu dabiibayaa Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho. Degmada Afgooye ayaa inta badan ay ka dhacaan falalka nuucaani ah oo inta badan ay dusha u ritaan Xarakada Al Shabaab. Ma jiro wax war ah oo saraakiisha Ammaanka iyo Maamulka degmada Afgooye ay ka soo saareen weerarkaasi xalay Askarta lagu bartilmaamsaday ee ka dhacay degmadaasi. Maamulka Jubbaland 16ka Sebteembar 2017 Madaxweynaha Maamulka Jubba-land Mudane Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) ayaa lagu wadaa in dhawaan uu isku shaandheyn ku sameeyo Maamulka gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ugu Magacaaban Jubba-land. Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Jubba-land oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho  ayaa sheegay in madaxweyne Axmed Madoobe uu wado la atashiyo ku aadan isku shaandheynta uu ku samenayo Gudoomiyayaasha gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, islamarkaana mas’uuliyiin xilalka laga qaadi doono. Madaxweynaha Maamulka Jubba-land ayaa sfar shalay ku tagay Degmada Balad-xaawo ee Gobolka gedo isagoona xalay ilaa saakay kulamo la qaadanaya saraakiisha iyo Maamulka Degmadaas. Maamulka Jubbaland 16ka Sebteembar 2017 Shirka gollaha wasiiradda Puntland oo uu shir guddoominayay Madaxweyne K/xigeenku  c/xakiim Cabdullaahi xaaji Cumar ayaa lagaga dooday dhibaatadda ka taagan shilinka Soomaaliga. Golluhu wuxuu ugu dambayntii go’aan ka soo saaray lacagta la qaadanayo iyo midda aan la qaadanayn, waxayna sheegeen in Puntland laga ogolyahay  oo kaliya isticmaalka lacagta tayada leh. “Gollaha xukuumadda Puntland ayaa soo saaray go’aamo ku aadan lacagta shilling Soomaaliga ah ee laga isticmaalayo Puntland  waxayna golluhu sheegeen in Puntland laga oggol yahay lacagta tayada leh ee isticmaalka ku jirta, islamarkaana laga mamnuucay Puntland isticmaalka lacagta been abuurka ah, midda aan tayada lahayn ee duugga ah” ayaa lagu yiri warsaxafadeedkii ka soo baxay shirkii gollaha wasiiradda ee maalintii shalay ka dhacay caasimadda Garoowe. Ganacsatada iyo dadweynaha Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka cabanayay lacag duug ah oo soo buuxdhaafisay suuqyadda, taasi oo ganacsatadu ay diideen inay qaataan oo isticmaalaan, waxaa kaloo lacagtaasi diiday inay cashuur ahaan u qaataan Dowladaha hoose iyo waaxda cashuuraha beriga ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland. Lacag ka badan 10 Bilyan oo shilin Soomaaliga duug ah ayaa haatan taala bangiga Garoowe, taasi oo ahayd mid duug ah oo ay qabteen ciidamadda ilaalada Kontorooladda Puntland, waxaana laga keenay goboladda koonfureed ee dalka, iyadoo la doonayay in la soo geliyo suuqyadda, mana cadda sida laga yeeli doono lacagtaasi oo haatan u muuqata in gebi ahaanba laga diiday suuqyada Puntland. Gaalkacyo 16ka Sebteembar 2017 Maxamuud Cilmi Gullaafe Waa Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug waxaa uu sheegay in xilligan aysan wax muuuqda ka qabankarin xiisadaha ka jira deegaanada Miyiga ah ee gobolkaasi ciidamada isku dhafka ah ee dhawaan laga dhisay magaalada Gaalkacyo. Sababta ayuu ku sheegay in ciidankan oo ka kooban 100-Askaro aysan haysan hub iyo saanad ku filan taa badalkeedana Maleeshiyo beeleedka iska soo horjeeda ay haystaan hub iyo ciidan ka badan sidaa awgeedn aysan tagi karinba goobaha lagaa yabo inay ku dagaalamaan. Dowladda Soomaaliya ayuu ku dhaliilay inaysan ka fakrin qaabkii ay ku hawlgalilahaayeen ciidankaasi oo ku kooban magaalada Puntland iyo galmudugna aysan xil gaara iska saarin daryeelka ciidamada isku dhafka ah. Waxaa uu soo jeediyey Taliye Maxmuud Cilmi Gulaafe Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska G/Mudug ee Galmudug in dowladdu ay xafiis u kuur-gala xaaladda ay ku shaqeeyaan ciidamada isku dhafka ahay ka furato magaalada Gaalkacyo. Deegaanada Miyiga ah ee Gobolka Mudug gaar ahaan dhinaca Bariga ayaa waxaa ka taagan xiisado dagaal isku badala mararka qaar oo u dhexeeya Maleeshiyaad ku kala abtirsada Maamulada Puntland iyo Galmudug,waxaana dowladda Soomaaliya oo Kaashaneysa labada Maamul ee halkaa ka jira ay sameysay ciidan ka kooban labad dhinac oo loogu talagalay inay ka hortagaan xiisad walba oo maleeshiyaadka soo kala dhax-gasha,waloow wali ciidamadaasi aysan sameyn tillaabo la xusikaro oo arintan ku saabsan. IGAD 16ka Sebteembar 2017 Qoraal ka soo baxay xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD ayaa lagu sheegay in magacii hore ee uu urur goboleedka IGAD ku howlgalayay dalka Soomaaliya la bedelay. Xafiiska IGAD ee dalka Soomaaliya oo la furay sanadkii 2008-dii ayaa howlaha loogu talagalay inuu qabto waxaa ka mid ah inuu ka caawiyo dowlada federalka Soomaaliya  nabad dhisida,ammaanka iyo xasiloonida iyadoo loo marayo dib u heshiisiin heer qaran. Qoraalkaan ayaa lagu sheegay in xafiiska IGAD ee dalka Soomaaliya uu lahaa labo magac taasoo keentay in ay abuurto jahwareer ka dhashay aqoonsiga xafiiska. Sidoo kale Qoraalka  ayaa lagu sheegay in laga bilaabo maanta xafiiska uu ku howlgalayo magaca ah Xafiiska Howlgalka Gaarka ah IGAD ee dalka Soomaaliya,”IGAD Special Mission to Somalia (ISMS). Gedo 16ka Sebteembar 2017 Ciidamo sida la sheegay uu soo amray hoggaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa Xabsiga degmada Baladxaawo dhigay Taliye ku xigeenkii Ciidamada Booliska Soomaaliya u qaabilsanaa Gobolka Gedo Cor.Xuseen Axmed Haliil oo la sheegay in muddo Maamulka jubbaland uu qorsheynayey in la xiro. Taliye xigeenka ayey wararku xaqiijinayaan in gurigiisa lagala baxay sida ay inoo xaqiijiyeen xubno ka mid ah ehelka masuulka la xiray. Saynab Xasan Axmed waxaa adeer u ah Cor Haliil oo u xiran Maamulka Jubbaland  ayadoo sheegtay in adeerkeed isagoo gurigiisa jooga ay qasab ku wadeen ciidan ay sheegtay inay u abaabulnaayeen qaab qabiil islamarkaana aysan garaneyn sababta keentay arintan,markii saldhigga ay uga taba-tageenna lasoo xabadeeyey sida ay hadalka u dhigtay. Waxaa ay intaa raacisay in Muddo hadda laga joogo laba bilood uusan wax shaqa ah qabanin kadib markii uu hanjabaad kala kulmay madaxda Maamulka jubbaland sidaana uu shaqadii ku joojiyey xabsi-gurina uu ahaa,waxaana ay ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay arintaan soo faragaliso ayna ku dadaasho sidii taliye ku xigeenku xorriyadiisa dib ugu helilahaa. Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland gaar ahaan wasaaradaha Amniga,Arimaha Gudaha, Maamulka Gobolka Gedo iyo Kan degmada Balad-xaawo oo aan la xariirnay dhammaantood nooma suura-galin inay arintan wax nag dhahaan,balse maalmihii dambe ayaa Madaxd Maamulka Jubbaland waxaa ay wadeen qorshe ay ku xirayaan Saraakiisha iyo ciidamada dowladda Soomaaliya kaga sugan deegaanada Maamulkaasi kadib markii ay isku fahmi waayeen sida ay uga wada howlgalayaan degmooyinkaasi.   WARARKA MAANTA 13ka Sebteembar 2017 Sir Culus Su’aalaha Maanta: Meeqo rag/wasiiro ayaa dumar kufsaday oo ka tirsan dowladdan wada dadban? Meeqo Maamul Gobaleed ayeey joogaan Janaraalo Itoobiyaan ah oo si dadban u maamula arrimaha Soomaaliya? Yaa dhiibay Taliye Qalbi-Dhagax oo ciidanka xoogga Soomaaliya ka tirsanaan jiray? Maxay labada masuul ee ugu saraysa Dowladda Wada Dadban uga aamusan yihiin inay runta soo bandhigaan? Ma waxay u maleynayaan inay Itoobiya daba-dhilif u noqonshaheeda ay Ummadda Soomaaliyeed ka qarin karaan runta? Maxayse Dowladda Wada Dadban aysan weli u helin wax dhaqaallo ah oo ay soo gaarsiisay beesha caalamka muddadii ay xukunka haysay? Ma waxay la tahay Dowldda Wada Dadban inay dhaqaallo ka heli doonto beesha caalamka inta uu Agaasimaha Madaxtooyadda yahay Fahad Yaasiin oo sida lagu faafiyey warbixino Qaramadda Midoway soo daabacday inuu yahay madaxa musuqmaasuqa Soomaaliya? Muqdisho 13ka Sebteembar 2017 Wararka laga helayo wadooyinkii la qorsheeyay in uu ka dhaco Dibadbaxa lagu taageerayo Dowlada Somalia oo ay soo abaabuleen qeybha kala duwan ee Bulshada ayaa waxaa la shegayaa in uu ishotaag ku sameeyey maamulka Gobolka Banaadir. Ilaa hada waxaa la arkayaa shacab farabadan oo taagan Taaladii Dal jirka Dahsoon oo lagu balamey in ay ku soo banaanbaxaan, ka dibna ay maraan wadooyinka qaarkod sida wadada Maka Al-mukarama, Walow uu maanta Jiro Kulan ay yeelanayaan baarlamnka Somalia oo ku yaal wadooyinka loo diidey dibad baxayaasha oo markii hore u qorsheysnaa. maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka hor yimid mudaharaadkan lagu wadey in maanta uu ka dhaco Magalada muqdisho kaas oo lagu taageri lahaa Dowlada Somalia. ilaa hada waxaa la dereemayaa in jiraan saasaan ah in wali ay jiraan Abaabuladii ka socdey Muqdisho ee Baanbaxa, Walow uu maamulka Gobolka Banadir joojiyey socodkii ay doonayen in ay ku maraan wadada ay qorsheysteen ee Maka Al Mukarama . Itoobiya13ka Sebteembar 2017Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay in ka badan lix boqolna way ku barakaceen dibadbaxyo cusub oo ka bilowday Bariga Itoobiya. Wararka halkaasi laga helayo ayaa sheegaya in dhowr qof ay ku dhinteen dibadbaxyadii shalay ka dhacay magaalooyinka ku yaalla Bariga Itoobiya. Tiro kale oo dad ah ayaa la dhaawacay, halka dhismooyin dowladdu leedahay iyo gawaari la burburiyay inta ay rabshaduhu socdeen. Dowladda Itoobiya ayaa isku dhacyadaasi ku micneysay muran ka dhashay xadka u dhaxeeya Oromada iyo gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Oromada oo ah qowmiyadda ugu badan Itoobiya ayaa ku eedeyneysa cutub gaar ah oo ka tirsan booliiska Ismaamulka Soomaalida ee ay deriska yihiin inay geystaan dilal iyo xadgudubyo kale oo ka dhan ah xuquuqda bini`aadamka. Isku dhacyadan ayaa soo jiitamayay muddo bilooyin ah balse waxay soo xoogeysteen toddobaadkan. Dowladda Itoobiya ayaa sheegeysa in odayaal dhaqameedyada labada dhinac ay kala kaashaneyso xallinta khilaafaadka u dhaxeeya. Goobjooge ayaa BBC-da u sheegay in ciidamo milatariga ka tirsan ay haatan ilaalinayaan waddooyinka magaalada ay isku dhacyadu saameeyeen. Bishii la soo dhaafay, dowladda ayaa ka qaadday gobolka Oromada bandow 10 bilood saarnaa, kaddib in ka badan labo sano oo ay ka socdeen dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda dalkaas https://www.youtube.com/watch?v=z0avmAaUhOc Muqdisho 13ka Sebteembar 2017 Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya gaar ahaan Isbitaalka Dhigfeer saqdii dhexe ee xalay waxaa ku geeryooday Wariye C/laahi Cismaan Macalin oo ka mid ahaa shaqaalaha TV-ga Jubbaland. Wariye C/laahi ayaa u geeryooday dhaawac ka soo gaaray qarax ismiidaamin oo 10-kii bishan ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Geerida C/laahi Cismaan Macalin ayaa waxaa xaqiijiyay Agaasimaha TV-ga Jubbaland iyo qaar ka tirsan ehelada Marxuumka.Dhaawaca Wariyaha ayaa in Muqdisho loo soo qaado waxa ay ka dambeysay, kadib markii wax looga qaban waayey Isbitaalada ku yaalla magaalada Beledweyne. Allaha unaxariistee Marxuumkan ayaa waxaa lagu wadaa in isla maanta lagu aaso magaalada Muqdisho, waxaana hada socota qaban qaabada Aaska. Qaraxan oo Axadii ina dhaaftay ka dhacay Maqaayad ku dhaw Koontaroolka Koowaad ee laga galo xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan ee ku taala Magaalada Baledweyne ayaa waxaa ku dhintay laba qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 9 qof oo ay ku jiraan Wariyeyaal ka howlgalayay magaaladaasi. Kampala 13ka Sebteembar 2017Magaaladda Kampala ee caasimadda dalka Uganda waxaa ka furmay Shir loogu hadlaayo arrimaha Ammniga ee Bariga Afrika. Madax ka socota  14 dal  oo qaaradda Afrika ku yaala ayaa ka shiraya arrimaha la xiriira ammniga bariga Afrika iyo halista kaga imaanaysa Al-shabaab ee Soomaaliya. Colonel Muse cabdiqaadir xassan oo katirsan hogaanka xiriirka dibedda ee booliska dowladda Soomaaliya, kana mid ah saraakiisha ka qeyb galeysa shirkan ayaa warbaahinta u sheegay in shirkaan uu muhiimad gaar ah u leeyahay Soomaliya islamarkaana gaba-gabada shirka laga soo sari doono qodobo muhiim. Sidoo kale waxa uu sheegay Colonel Muse cabdiqaadir xassan oo katirsan hogaanka xiriirka dibedda ee booliska dowladda Soomaaliya in shirka diirada lagu saari doono sidii loo tayeyn lahaa Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed, si ay AMISOM kala wareegaan Amaanka guud ahaan dalka Soomaliya marka ay  ka baxaan. Muqdisho 13ka Sebteembar 2017 Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxa ay yeelan doonaan kulan ajandihiisa uu yahay kiiska Saraalka ONLF ee C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax). Xildhibaan Maxamuud C/laahi Axmed (Abuukaate) oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa  sheegay in xildhibaanada loo soo diray fariin qoraaleed loogu sheegayo in uu jiro kulan, kaasi oo qodobada looga hadlayo ay ka mid yihiin arrinta (Qalbi-dhagax). Sidoo kale wuxuu sheegay Xildhibaan (Abuukaate) in ay weli ku adkeysanayaan la xisaabtanka Xukuumada iyo sababta ay u qaadatay go’aanka. Kulanka maanta ay yeelanayaan xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxa uu yahay mid xasaasi ah, maadaama Mudanayaasha Baarlamaanka ay ku kala qeybsameen arinta C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax), muran fara badana ay abuurtay. Sabtidii ina dhaaftay kulan ay yeelan lahaayeen xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxa uu u baaqday kooram la’aan, taasi bedelkeeda qaar ka tirsan xildhibaanada ayaa Dowladda ku eedeeyay in ay ka dambeysay baaqashada kulanka. Xildhibaanada Aqalka Sare ee dalka oo Isniintii kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa dib u dhigay ka hadalka Kiiska C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax), kadib markii Xildhibaanada qaar ay soo jeediyeen in Ajandaha laga saaro kulanka, halka Xildhibaanada qaarna ay ku adkeysteen in aanan laga saarin Ajandaha kulanka, taasi oo dhalisay buuq ka dhex dhashay xarunta Aqalka Sare ee dalka. Golaha Wasiirada Soomaaliya oo 6-dii bishan kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen (Qalbi-dhagax) inuu xiriir lahaa Al-shabaab, uuna yahay Argagixiso, sidaasina ay ugu wareejiyeen Itoobiya. Kuuriyada Waqooyi 13ka Sebteembar 2017 Danjiraha Waqooyiga Kuurya u jooga QM, Han Tae Song ayaa sheegay inay Maraykanka ka qoomamayn doonaan doorkii ay ku lahaayeen Go’aankii ay Golaha Ammaanka ee QM cunaqabataynta ugu soo rogeen dalkiisa. Waxa uu intaasi ku daray inay Maraykanka inay Maraykanka dhaawacii ugu weynaa ee Taariikhda kala kulmi doonaan diyaarintii Cunaqabataynta cusub ee lagu soo rogay dalkiisa. Hadalkan ayaa ku soo aadaya xili lga cabsi qabo in uu dagaal culus dhexmaro wadamada Kuurya iyo Mareykanka oo hadalo hanjabaad ah hawada isku marsiinaya Maalmulka Koonfur Galbeed 13ka Sebteembar 2017 Wasaaradda Amniga Gudaha  Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa faah-faahin ka bixisay howlgal lagu xiray siyaasiyiin iyo dad kale oo abaabulayey falal amni darro ah. C/qaadir C/raxmaan Cali Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga Koonfur Galbeed Soomaliya  ayaa sheegay in howlgalkaas uu ahaa mid qorshaysan islamarkaana lagu qabtay siyaasiyiin badan oo haystay hub sharcidaro ah. Waxa uu sheegay in howlgalada laga sameeyay deeganada Koonfur Galbeed Somaliya in lagu qabtay shaqsiyaad lagu tuhmaayo in ay ka qeyb qaataan falalka amniga lidiga ku ah ee ka dhaca deeganada Maamulkaas. Dhanka kale Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa sheegay in Ciidamada amaanka Maamulkaas ay mar walba diyaar u yihiin sidii loo xaqiijin lahaa amniga deeganada Maamulkaas kadib markii ay ka dhaceen qaraxyo ay fuliyeen shaqsiyaad isa soo miidaamiyay oo ka dhacay goobo dad badan ay iskugu imaadaan. Qaramadda Midooway 13ka Sebteembar 2017 Sarkaal sare oo ka Tirsan qaramada Midoobay ayaa dalbaday in teegeero dheeri ah la siiyo howlgalka midowga Africa soomaaliya ee AMISOM waxaana uu ka digay in ay ka dhalan karto cawaaqib xun hadii la waayo taageerada ciidamada amisom ay u baahanyihiin. Haile Menkerios oo ah xoghayaha ergayga gaarka u qaabilsan qaramada midooway ee ururka  midowga Africa ayaa waxa uu sheegay in muhiim ay tahay sida ugu dhaqsyaha badan in lagu maalgeliyo midowga Africa waxaana uu ka codsaday wada shaqeyn buuxda oo dhaxmarta golaha amaanka iyo wadamada ururka midowga Africa. Waxaana intaa uu raaciyiy halgankii socday 10-ka sano ee dib howlgalka AMISOM ugu qabsadeen inta badan gudaha dalka soomaaliya in aan dib loo celin maadama beesha caalamka aysan awoodin in ay bixiso dhaqaale ku filan howlgalka AMISOM. Waxaa sidoo kale sarkaalka ka Tirsan qaramada midoobay uu hoosta ka xariiqay sida golaha amaanka ay kaga go’antahay taageerida nabadeed oo ay wadaan midowga Africa. Koonfur Afrika 13ka Sebteembar 2017 Goobahaan Ganacsi oo ay lahaayeen Ganacsato Soomaaliyeed ayaa waxaa xalay Boob u geestay Shacab careysan oo u dhashay dalkaasi Koonfur Afrika kadib markii ay weerar ku qaadeen. Arrintaan ayaa loo sababaeeyay in ka hor boobka uu xoogaa muran dhexmaray qaar ka mid ah Shacab Koonfur Afrikaan ah iyo mid ka kid ah Ganacsatada Soomaliyed kaas oo ugu dambeyn isku bedelay boobka Gnacsatada Soomaaliyeed. Mid ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed  ayaa sheegay in dhacddaan ay ka dhacday Xaafada lagu Magacabo Paarl oo qiyaastii 40 km u jirta magaalada Cape Town ee Dalkaasi Koonfur Afrika. Ciidamo ka tirsan Booliiska Koonfru Afrika ayaa Goobta gaaray kuwaas oo ugu dambeyn xal ka gaaray murankii sababay boobka ee u dhaxeeyay Shacab ka tirsan Koonfur Afrika iyo Ganacsatada Soomaaliyeed. Dalka Koonfur Afrika ayaa waxa uu ka mid yahay dalalka inta badan dhibatooyinka loogu geesto Muwaadininta Sooamaliyeed, iyad aoo horay loogu geestay dilal dhac iyo waliba afduub Midowga Reer Yiusub 13ka Sebteembar 2017 In ka badan 3 sanno, Dowladaha xubnaha ka ah EU-da waxay oggolaadeen Kalluumeysiga sharci-darradda ee ay ka wadaan meelaha ka baxsan Xeebaha Qaaradda Afrika. Hay’adda OCEANA oo ah Ururka ugu weyn ee Ilaalinta Badweynta ayaa soo saartay Warbixin cusub oo lagu muujiyey Dowladaha ku lugta leh Kalluumeysiag sharci-darradda uga socda Xeebaha Afrika, gaar ahaan Somalia. Warbixinta waxay shaacisay in Dowladaha Talyaaniga, Portuqal iyo Spain ku xad-gudbeen Sharciyadda Kalluumeysiga ee u dhexeeya dalalka Europe, isla markaana ay Maraakiibtooda ka jilaabtaan dalalka Gambia iyo Ekwatooriyal Gini.Hay’adda OCEANA oo isticmaasha Qalabka sida Online-ka wax loogu ilaaleeyo ayaa diiwaan gelisay in 19 Maraakiib calanka EU-da leh ay ku-dhawaad 32,000 oo saacadooda ka kalluumeysteen Badda Afrika muddaii u dhexeysay bishii April ee sannadkii 2012-kii ilaa bishii August ee sannadkii 2015-kii. Dhinaca kale, Warbixinta ayaa sheegtay inay Badda Somalia ku soo laabateen Maraakiibta EU-da ee sida sharci-darradda ah ugu kalluumeysta, kadib, markii ay hoos u dhaceen falalkii Burcad-baddeed ee ka dhici jirey Badda Somalia WARARAKA MAANTA 12ka Sebteembar 2017 Sir Culus Su’aalaha Maanta: Maxuu qabtan kara Khaa;inul-waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre oo si qarsoodi ah ula heshiiyey shirkadda Soma Oil and Gas oo si xeeladaysan u damacsanayd inay ula wareegto kheyraadka Illaaahay ku mannaystay Ummadda Soomaaliyeed? Maxuu qabtan karaa Khaa;inul-waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre oo si sharci-daro ah Itoobiya u dhiibay Saraal Sare oo ka tirsanaan jiray Ciidanka Xoogga? Maxuu qabtan karaa Khaa;inul-waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre oo rag dumar kufsaday wasiiro u yihiin? Maxuu qabtan karaa Khaa;inul-waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre oo hadda fowdo siyaasaddeed dhex galiyey labada gole? Maxay u diideen bulshadda caalamka inay dhaqaalo siiso Dowladda Wada Dadban ee uu hoggaaminayo Khaa;inul-waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre muddadii uu hayey xilka Raysal Wasaarenimo? Beenta iyo ballamaha Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre oo maalinba maalinta ka dembaysa sii fashilmaysa sida uu kashifay Wasiirka Warfaafinta Iyo shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta kuwaasoo hanjabaadiisa ka daalay isla-markaasna doorbiday inay runta sheegaan xitaa haddii ay ku weynayaan shaqadooda qaranka si ay Ummadda ugu soo bandhigaan khaa’inul-waddan oo dhan!

Muqdisho, Sebtembar,12, 2017— Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa kulan la qaatay danjiraha dawladda Denmark u fadhiya Soomaaliya Mss Mette Knudsen, kulankani ayaa labada dhinac waxa ay kaga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo in Dawladda Denmark ay Soomaaliya ka caawiso dhinacyada dhaqaalaha iyo adeegyo horumarineed.

“Waxaan isla soo qaadnay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya labada dawladooda sidii loo horumarin lahaa, si gaar ah waxaan iskula soo qaadnay mashaariic wax tar u leh dalka in laga fuliyo”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xusay in Soomaaliya ay xaaladdeeda soo hagaageyso, isla markaana ay diyaar u tahay in waddankeeda la maalgashado, iyadoo sharciyadii maalgashiga iyo hannaanka maaliyadda ee dalka ay haatan si wanaagsan u shaqeynayaan.

Danjiraha Dawladda Denmark u fadhiya Soomaaliya Mette Knudsen ayaa sheegtay soo kabashada Soomaaliya ee dhinacyada Amniga iyo horumarka socda inuu indhaha caalamka ku soo jeediyey. Isla markaan ay Denmark diyaar u tahay xaqiijinta iskaashiga labada dawladood iyo in maalgashi ay ku sameeyaan Soomaaliya.

DHAMMAAD

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Muqdisho, Somalia

Berbera 12ka Sebteembar 2017 Ganacsata wax ka dhoofiya kana soo dejiya dekada Berbera ayaa dib ugu laabtay hawlahood kadib markii ay sameeyeen shaqo joojin ay kaga cabanayaan adeegyada dekadda iyo lacagaha laga qaado ganacsata oo aad fara badan. Inkastoo shaqa-joojintooda aaney aad u wada saameeyn nolosha, waxay haddana ay saameeyn xoog leh ku yeelatay dhinaca dhismaha, kadib markii uu yaraaday qalabka dhismaha ee ka soo degaya dekadda. Galkacyo 12ka Sebteembar 2017 Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug gaar ahaan xaafada Garsoor ayaa waxaa xalay lagu dilay mid ka mid ah waxgaradka gobolka Mudug, sida ay sheegeen masuuliyiinta gobolka. Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay in ay ku hor dileen Nabadoonka Hotel Kulmiye oo ku yaala Agagaarka Dugsiga Hoose Dhexe ee Ummadda magaalada Gaalkacyo, iyaga oo ka toogtay qeybaha sare ee jirkiisa. Qof ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in Nabadoonka magaciisa lagu sheegay Caseeyo Cirro, kana mid ahaa ragga sida weyn ugu ole-oleynayey nabad iyo daganaansho ka hana qaada magaalada Gaalkacyo. Ciidamada ammaanka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa saakay waxa ay wadaan howlgallo iyo baaritaano lagu raadinayo raggii ka dambeeyay dilka Marxuum Cirro. Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug maalmo ka hor waxaa lagu soo gaba gabeeyay shir u dhaxeeyay maamulada Puntland iyo Galmudug, kaasi oo looga hadlayay ammaanka guud ee gobolka. Maamulka Koonfur Galbeed 12ka Sebteembar 2017 Shalay gelinkii dambe ayaa  duleedka Magaalada Baydhaboee Xarunta Gobolka Baay waxaa laga afduubtay Shaqaalo u Shaqeynayay Hay’ad Gargaar, xili ay marayeen meel 14km u jirta Magaalada Baydhabo sida uu xaqiijiyay afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed. Shaqaalahaan ayaa tira ahaan gaaraya ilaa 3 Ruux oo kala ah laba Gabdhood iyo Darawalkii Gaariga u waday, waxana la sheegay in ay ahayeen Shaqaalaha Hay’ad lagu Magacaabo Kareedo. Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Yuusuf Abuukar Gacma  ayaa afduubkas ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan Al-Shabaab, isla mrkaana Shaqaalahaas ay yihiin Soomaali. Waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay ka soo horjeedaan in la kaalmeeyo dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed maadama ay dhowr mar sidaan oo kale ay u afduubteen Shaqaalo Gargaar sida uu hadalka u dhigay. Sikstaba 15 Bishii July ayay aheyd markii duleedka Baydhabo sidan oo kale ay Al-Shabaab ka afduubteen Shaqaalo Gargar wallow markii dambe ay ku soo daayeen lacago madax furasho ah. Golaha Amaanka Qaramadda Midooway 12ka Sebteembar 2017 Cunaqabateyntan la isku raacay ayaa waxaa looga gol-leeyahay in Kuuriyada Waqooyi lagu saaro cadaadis si ay u joojiso tijaabada hubka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aan kala har lahayn waxa uu ugu codeeyay in cunaqabateyn adag lagu soo rogo Kuuriyada Waqooyi. Qaraarka ayaa looga jawaabayay tijaabadii lixaad uguna awoodda badneyd ee hubka nukliyeerka, hasayeeshee cunaqabateynta lagu soo rogay Pyongyang kuma ay jirto xayiraad dhanka shidaalka ah, taas oo markii hore uu soo jeediyay Mareykanku. Cunaqabateyntan cusub ayaa waxaa ka mid ah xannibaad lagu soo rogay dhoofinta waxyaabaha dharka laga sameeyo iyo xakameyn lagu sameeyo saliidda qayriinka ah ee ay soo dhoofsato Pyongyang. Hasayeeshee taasi waxa ay wax badan ka hoosaysaa aragtidii aheyd in gebi ahaanba la jaro saadka shidaalka ee ay Kuuriyada Waqooyi hesho. Qaraarkan jilicsan ayaa ka dhigan in culeyskii loo baahnaa aanay ku kordhin cunaqabateynta saarneyd dalkaasi saarneyd taas oo uu Mareykanku soo jeediyay inay noqoto midda ugu xooggan. Qaraarkan dib u eegista lagu sameeyay ayaa yimid kaddib markii ay wadahadallo yeesheen dalalka ka tirsan golaha ammaanka ee leh awoodda codka qayaxan sida Mareykanka, Ruushka, Shiinaha, Britain iyo Faransiiska. Sidoo kale qaraarkan waxaa uu fursad siinayaa wax u muuqan kara in xayiraad dhanka socdaalka lagu soo rogo Kuuriyada Waqooyi, iyadoo liiska xayiraadda lagu daraayo hogaamiyaha dalkaasi Kim Jong Un iyo shirkadda diyaaradaha ee qaranka Kuuriyada Waqooyi. Haddaba safiirka Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay, Nikki Hayley, ayaa aheyd qofkii ugu horreeyay ee hadlay markii cunaqabateynta codka loo qaaday, waxaanay sheegtay in Mareykanku uu sameyn doono waxkasta oo uu Kuuriyada Waqooyi kaga joojin karo inay wax khaldan sameyso. Dhanka kale bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Pyongyang ka hor inta uusan Golaha Ammaanku codka u qaadin cunaqabateynta ayaa waxaa lagu sheegay in Mareykanku uu “qiimaha u dhigma” ka heli doono cunaqabateyntan uu dabada ka riixayo. Waa qaraarkii sagaalaad oo si aan kala har lahayn ay isugu raaceen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay tan iyo 2006 markaas oo si tartartiib ah loo ballaariyay cunaqateynta saaran Kuuriyada Waqooyi ee ka dhanka ah gantaalladeeda ridada dheer iyo barnaamijkeeda Nukliyeerka. Kenya 12ka Sebteembar 2017 Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in haddii Raila Odinga uu ku soo baxo doorashada ku celiska ah ee 17 bisha Oktoobar, in xisbigiisu oo aqlabiyadda baarlamaanka leh uu xilka ka xayuubin doono. Kenyatta oo khudbad u jeedinayay ergo taageerayaasha xisbiga ah ayaa af Sawaaxili ku yiri “Xitaa haddii la doorto, waxaan haysanaa fursad aan labo ama saddex billood xafiiska kaga erino”. Sida uu dhigayo sharciga Kenya madaxweyne talada haya xilka waa laga qaadi karaa haddii loo arko in uusan maskixiyan ama jismiyan u caafimaad qabin oo uusan hawshiisa gudan karin. Siyaabaha kale ee madaxweynaha xilka looga xayuubin karo waxaa ka mid ah in uu meel kaga dhaco dastuurka, ama haddii la rumaysan yahay in uu madaxweynuhu galay dambi marka loo fiiriyo sharciyada qaran iyo kuwa caalamiga ah. Madaxweyne Kenyatta ayaa lagu dhawaaqay in uu ku guulaystay doorashadii 8 Agoosto, laakiin maxkamadda ugu sarraysa dalka Kenya ayaa waxba kama jiraan ka soo qaaday, iyadoo durtay sidii loo arruuriyay natiijadii doorashada. Hase yeeshee xisbiga NASA ee mucaaradka ah ayaa sheegay in Kenyatta uusan haysanin aqlabiyad ku filan oo uu madaxweyne xilka uga qaado. Mosas Watangula oo ka tirsan aqalka sare ee Kenya, xubina ka ah NASA ayaa madaxweynaha ku booriyay in uu akhriyo qodobka 145 ee dastuurka Kenya oo dhigaya tirada xildhibaanada loo baahanyahay in xilka looga qaado, taasina uusan haysanin xisbiga Jubilee. Hadalka madaxweynaha ayaa dad badan ka yaabisay, waxaana loo fasirtay in madaxweynaha uu fahamsanyahay suurtogalnimada in Raila uu ku guulaysto madaxtinimada doorashada ku celiska ah. Muqdisho 12ka Sebteembar 2017 Waxaa faah faahino dheeraad ah laga helayaa qarax gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoysyada Dabka iyo Sayidka gaar ahaan ka soo horjeedka Hotel Wehliye ee dhanka degmada Waaberi. Qaraxan oo ahaa mid si weyn looga maqlay qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasi oo la sheegay in la soo dhigay goobta. Qaraxa kadib Ciidamada ammaanka oo markii horeba la sheegay in ay hayeen xogta gaariga oo goobta soo gaaray ayaa afarta jiho rasaas u diray, iyaga oo durbadiiba xiray wadada.Saraakiisha Gaadiidka gar gaarka deg dega ah e Ambalaasta ayaa  sheegay in halkaasi ay u direen qaar ka tirsan shaqaalahooda, si ay uga soo qaadaan dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi. Saraakiisha Ciidamada ammaanka ayaa waxa ay sheegeen qaraxan in ay ku dhinteen ilaa Saddex qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen afar qof oo kale. Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay tahay goob aad u camiran, maadaama ay ka furan yihiin goobo ganacsi, waxaana xilliyadii galabkii soo fariista dad aad u fara badan oo goobtaasi ku shaaheeya.   http://www.somaoilandgas.com/shareholders/ WARARAKA MAANTA 11ka Sebteembar 2017 Su’aalaha Maanta: Maxay tahay talaabada ay laba aqal ka wada qaadi doonaan Dowladda Wada Dadban ee uu u hoggaaminayo Khaa’inul Waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raamsade” oo si sharci-daro ah ugu dhiibay shaqsi Soomaali ah dowladda Itoobiya? Haddii xilka ay labada aqal ka qaadaan Khaa’inul Waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre oo caddeystay inay fiican tahay ku tumashada dastuurka dalka iyo xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha soo socda/xiga? Ummadda Soomaaliyeed waxay sugayaa inay labada aqal ka qaadaan talaabo sharciga waafaqsan Khaa’inul Waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre iyo dhammaan xukuummaddiisa daba-dhilifka wada noqotay! Muqdisho 11ka Sebteembar 2017 Waxqabadka Dowlada Raisal Wasaare kheyre Iyo beenta shacabka loo sheegayo: 1)1000 kun dhalinyarada Muqdhisho oo shaqa loo abuurey. 2) Dowlad diidka  oo kalajabtey oo nus/ half dowlada kusoobirey, 3) 145 maxabis oo lagasodayey maxaabista Ethiopia 4.)Xasilinta Muqdhisho oo laguguuleystey 5.) garoonka diyaradaha oo habeen iyo maalinba shaqeyo 6 ) mudo 30 sano kadib stadium Muqdhisho oo habeen ciyaar laguqabtey. 7 ) garoonka Nairobi iyo kan Muqdhisho oo laiskuxirey. Oo wajeer aan lamarin 8 ) Al azhar university oo heshiis lalagaley in ay tayeyso aqoonta jamacadaha Muqdhisho scholarship na ay siiso ardeyda somalida 9 ) waxaa surtagaley imtaan Qaran in ay ufadhiistaan ardeyda somalia. 10 ) jamacad Muqdhisho oo Amisom lagararey oo na dib loofurey 11 ) furaha somaliya ay dowlada lasowareegtey 12 ) internet ay dowlada leedahey oo kahergaley xafiisyada dowlada 13 ) maxaabista hindia oo mardhow lafilayo in Muqdhisho kasoodagaan 14 ) dowlada somaliya oo qeybtii ugudanbeysey mareyso hashiiskii bangiga aduunka Ee qiimeyta, tayeenta iyo keydinta lacag somaliya ay yeelato. Somaliya hanolato!!!!! Sxb Nabad iyo nolol!!!!!! Marwalba DANTA DADKA DALKA IYO DIINTA Joorjiya 11ka Sebteembar 2017 Madaxweynihii hore ee dalka Georgia, Mikheil Saakashvili, ayaa ku guulaystay inuu ka tallaabo soohdinta ay Poland la wadaagto wadanka Ukraine, oo sanadihii dambe saldhig u ahaa, balse dhawaan kala laabatay dhalasho uu siiyay. Saakashvili ayaa shalay laba goor laga horjoogsaday inuu galo dalka Ukraine. Mikheil Saakashvili ayaa waddan la’aan ahaa tan iyo markii uu madaxweynaha Ukraine Petro Poroshenko kala laabtay dhalashadii uu siiyay. Xukuumadda Kiev ayaa ku eedaysay Saakashvili oo mar madaxweyne ka ahaa dalka Georgia inuu ka been sheegay macluumaadka codsigiisii dhalashada Ukraine. Saakashvili ayaa waayay dhalashadiisii Georgia markii uu qaatay baasaboorka Ukraine, maadaama dastuurka dalka uu hogaamin jiray aanu ogoleyn in muwaadiniintiisa ay qaataan laba dhalasho. Mikheil Saakashvili oo garab ka helaya qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka Ukraine, ayaa doonaya inuu dacwad kusoo oogo madaxweyne Poroshenko, uuna maxkamadaha dalkaasi ka furo kiis ka dhan ah dhalashada lagala laabtay. Madaxweyne Poroshenko ayaa horay Saakashvili ugu magacaabay barasaabka gobolka ku yaal koonfurta Ukraine ee Odessa, balse waxa uu xilkaasi iska casilay sannadkii hore, asagoo madaxweynaha ku eedeeyay inuu ka horjoogsaday la dagaallanka musuq maasuqa. Ka dib waxa uu samaystay xisbi siyaasadeed oo yar. Dhanka kale dowladda Georgia ayaa doonaysa in loo soo gacan geliyo Saakashvili oo ay ku eedaysay ku takri fal awoodeed iyo musuq maasuq, eedaymahaasi oo uu beeniyay kuna tilmaamay kuwo ay siyaasadi ka dambeyso. Jarmalka 11ka Sebteembar 2017 Haweeney ka mid ah booliska Jarmalka ayaa noqotay qofkii dumar ah ee ugu horeesay ee garsoore ka noqota ciyaar ay dheelayaan rag oo ka tirsan horyaal ka mid ah kuwa ugu weyn kubadda cagta Yurub. Bibiana Steinhaus, oo 38 jir ah ayaa seeriga u haysay kulan ay yeesheen kooxaha Hertha Berlin iyo Werder Bremen oo ka tirsan horyaalka Jarmalka ee Bundesliga. Waa haweeneydii ugu horaysay ee garsoore ka noqota ciyaar ay rag dheelayaan oo ka tirsan horyaallada dalalka caanka ku ah kubadda cagta ee Yurub, sida Jarmalka, Ingiriiska, Faranisiiska, Talyaaniga iyo Spain. Bibiana Steinhaus ayaa khibrad ballaaran u leh garsoorenimada kubadda cagta, waxaana ay qabatay fiinaalkii horyaallada gabdhaha ee sanadkan, iyo weliba kulamo ka tirsan horyaalka labaad ee kooxaha ragga ee Jarmalka. Waxa ay sheegtay in aanay waxba kaga duwaneyn garsoorayaasha ragga ah. Ciyaarta ay garsooraha ka noqotaya ayaa ku idlaatay barbaro 1-1 ah, wax khilaaf ahna kama dhicin. Maraykanka 11ka Sebteembar 2017 Duufaanta Irma ayaa ku dhufatay gobolka Florida ee dalka Maraykanka, ayadoo xeebta gobolkaasi ka geysatay fatahaad ballaaran isla markaana korontada ka jirtay ku dhawaad 3 milyan oo guryo iyo ganacsiyaal isugu jira. Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay duufaanta ku dhufatay Florida. Duufaanta Irma ayaa ugu horeyn ku dhufatay jasiiradda Marco ee ku taal xeebta galbeed ee Florida, waxaana markaasi ay wadatay dabeylo ku socday saacadiiba 169 kilo mitir. Balse wixii markaa ka dambeeyay duufaantu waa ay tabar dhigtay, oo waxaa ay hoos ugu dhacday heerka labaad. In ka badan laba iyo shan boqol oo kun oo qof ayaa koronto la’aan ah guud ahaan gobolkaasi, waxaana fatahaad ballaaran ay ka dhacday qeybo ka mid ah magaalada Miami. Dhowr ka mid ah magaalooyinka Florida ayaa bandow habeenkii ah lagu soo rogay, si looga hortago inuu boob dhaco. Madaxweyne Trump ayaa shaaciyay in musiibo ballaaran ay ka dhacday Florida, taasoo u suuragalineysa gobolkaasi inuu helo gargaar uga yimaada xukuumadda federaalka ah. Trump ayaa weriyayaasha u sheegay in hay’adaha Maraykanka ay ka shaqeynayaan wax ka qabashada xaaladda ay abuurtay duufaanta Irma. Duufaanta ayaa hadda ku wajahan deegaanka Tampa Bay, halkaasi oo ay ku noolyihiin ku dhawaad 3 milyan oo qof, balse aanay wax duufaan ah ku dhufan tan iyo sanadkii 1921-kii. Hay’adda qaran ee duufaannada ayaa sheegtay in Irma ay sii tabar dhigayso, balse ay weli khatar tahay. Soomaaliya 11ka Sebteembar 2017Afhayeenka Ciidamada Al Shabaab Sheekh Cabdi Caziiz Abuu Muscab oo shir Jaraaid qabtay ayaa ka  hadlay qarax ka dhacay Magaaladda beledweyne ee  gobolka Hiiraan, Mashruuca shaqo abuurista dhalinyaradda iyo dilal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho. Xarakada Al Shabaab ayaa markii ugu horraysay war rasmi ah kasoo saartay mashruuca Shaqa Abuurista loogu magac daray ee dowladda Federaalka ay dhowaan uga dhawaaqday magaalada Muqdisho. Sheekh Abuu Muscab wuxuu sheegay in mashruucaas uu yahay mid lagu ciidameynayo dhalinyarada Muqdisho ujeedkuna yahay in si dadban looga qeyb geliyo dagaalka ka socda Soomaaliya ee ka dhanka ah muslimiinta. Mashruucan oo ay maalgelinayaan Qaramada Midoobay iyo Bankiga adduunka ayaa la sheegay in lagu shaqaalayno 900 oo dhalinyaro ah islamarkaana degmo walba laga qaadanayo 55 Arday oo dugsiyada sare kasoo baxay. Al Shabaab waxay sheegtay in hadaf mashruuc ah uu u yahay beegsiga cid walba oo ka qeyb qaadata waxa loogu yeero shaqa abuurista waxayna waalidiinta magaalada muqdisho ugu baaqday in ubadkooda ay gacma qabtaan oo aysan ka qeyb gelin askareynta loogu magac daray mashruuca shaqa abuurka. waa sidey hadalka u dhigeen. “Waxaan uga digaynaa dadka waalidiinta ah oo muslimiinta ah guud ahaan in ilmahooda oo intaas kusoo dhibtoonayay oo jaamacad ka saaray ama iskuul ka saaray, in canugoodu maanta boqol dollar ama 150 dollar uusan Dowladda u raacin oo waxaa weeye isagoo meel daran taagan Al-shabaab halkaas ku beegsan oo ku dilin, carruurtiina mustaqbalkooda ku dadaala haddii aadan muslimiinta ku taageerayna ka ceshada” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Abuu Muscab. Dhanka kale Afhayeenka Ciidamada Al Shabaab Sheekh Cabdi Caziiz Abuu Muscab ayaa sheegay in ay ka dambeeyeen dilal saacadihii aynu soo dhaafnay ka dhacay Magaaladda muqdisho, iyo qaraxii ka dhacay magaaladda beledweyne ee gobolka Hiiraan. Ugu dambeyntii Xarakada Al Shabaab waxay ugu baaqday Ardayda iskuulada iyo jaamacadaha in aysan ku dagmin dhagaraha loo maleegayo. Muqdisho 11ka Sebteembar 2017 Shiikh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ku-xigeenkii Hogaamiyihii Al-shabaab ee Dowladda isku Soo Dhiibay dhawaan ayaa saakay ka dhoofaya Garoonka Diyaardaha Magaaladda Muqdisho isagoona ku wajahan Magaaladdda Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka koonfur Galbeed Soomaliya. Qaban-qaabada lagu soo dhaweynayo wafdiga Muqtaar Roobow ayaa laga dareemayaa Magaalada Baydhabo,wuxuuna uga sii gudbi doonaa Degmada Xudur ee Gobolka bakool oo markii hore uu ku sugnaa. Magaaladda Baydhabo waxaa shalay Gaaray wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka_Gaashaandhiga Dowlada Fadaraalka Soomaaliya, Cabdirashiid C/laahi iyo mas’uuliyiin kale oo ka Tirsan Dowladda Soomaliya. Amnaaka Magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay waxaa gabi-ahaanab saakay magaaladda amnigeeda la wareegay Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaliya iyo kuwa Ethopia ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM. Muqdisho 11ka Sebteembar 2017 Ra’iisul Wasaaraha soomaaliya Xasan Cali kheyre oo shalay gelinkii dambe xariga ka jaray Xafiis ay dadweynaha ku soo gudbinayaan cabashadooda ayaa ka hadlay sababta loo aas aasay Xafiiskaas. Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in sababta Wasaarada Cadaalada ay u furto Xafiskaas ay tahay sidii Shacabku ay u heli lahaayeen Cadaalad. “Wasaaradu in ay xafiiskaan furto wa qeyb ka mid ah cadaalada ay helaan shacabku, maahan mid lacag lagu bixinaayo waana mid ay shacabku u baahnaayeen kadib markii ay shacabku soo gudbiyaana madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha loo soo gudbin doono ayuu yiri ra’iisul wasaaraha” Burma 11ka Sebteembar 2017 Myanmar ayaa qaaddacday xabbad joojin bil ah oo ay ku dhawaaqeen jabhadda Rohingya ee gobolka Rakhine. Kooxda Rohingya ayaa ku dhawaaqay maanta xabad joojinta, iyagoo ugu baaqay ciidamada Myanmar inay sidoo kale hubka dhigaan. Balse afhayeen dowladda u hadlay oo lagu magacaabo Zaw Htay ayaa sheegay in Myanmar aysan la xaajoon doonin “argagagixisada”. Ilaa 294,000 ka tirsan qowmiyadda Muslimiinta Rohingya ayaa u qaxay Bangladesh tan iyo intii qalalaasaha ay ka bilowdeen gobolka Rakhine bishii la soo dhaafay. Jabhadda ayaa weerar ku ekeysay dhowr xarumo booliis 25-kii August, iyagoo dilay 12 qof. Arrintaas ayaa sababtay in milatarigu ay ugaarsadaan qowmiyadda. Muslimiinta Rohingya- oo ku nool dalka ay ku badan yihiin dadka haysta diinta Buddhism-ka ayaa sheegaya in milatariga iyo dadkuba ay u geysanayaan tacaddiyo xooggan, iyagoo gubaya xaafadahooda. Myanmar ayaa beenisay arrintan, iyadoo sheegtay in milatarigu uu la dagaallamayo “argagixisada” Rohingya. Jabhadda Rohingya ayaa xabbad joojinta uga dhawaaqday boggeeda Twitter si ay hay`adaha gargaarka ugu suurto gasho inay u gurmadaan dadka ku dhibaateysan gobolka Rakhine. Balad Xaawo 11ka Sebteembar 2017 Al-Shabaab ayaa saakay aroortii weerar ku qaaday degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo, iyada oo la soo sheegayo in ay la wareegeen. Al Shabaab, ayaa dhinaca bariga ka weeraray Degmada Beled Xaawo, iyagoona dagaal kula wareegay xero ay Ciidamada Jubbaland ku lahaayeen wadada laga soo galo degmadaasi. Wararka, ayaa waxay intaa ku darayan in Ciidamadii Jubbaland ay isaga baxeen degmada, iyadoona wixii xilligaasi ka dambeeyay ay Shabaabku isu ballaariyeen Xaafadaha Magaalada Beled Xaawo.

Qof ka mid ah dadka degmada Balad Xaawo ayaa dalsan u sheegay  in xaaladu iminka y tahay mid kacsan isla markaana Goobihii Ganacsiga iyo waxbarashada ay gebi ahaanba xeran yihiin.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi oo runta ka sheegay khaladkii ay ku kacday golaha xukuummadda asagoo caddeeyey inay golaha Aqalka Sare ka hadli doonaan ayadooo Ummadda Soomaaliya ay si weyn u soo dhaweeyeen. https://www.youtube.com/watch?time_continue=5&v=AlhDUGhcSEo Maamulka Jubbaland 1ka Sebteembar 2017 Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo kula kulmay Danjiraha Dowlada Ingiriiska u jooga Soomaaliya David Concar. Kulankan oo ahaa mid diirada lagu saarayay taageerada ay Dowlada UK siiso Juballand gaar ahaan adeegyada Bulshada, iyo taakulaynta dhinacyada amaanka iyo hormarka. Inta uu kulankan socday waxaa la isla soo qaaday sidii loo joogtayn lahaa xiriirka labada dhinac isla markana ay u bilaaban lahayeen waxyaabaha ka dhiman mashaariicda ay Ingiriisku ka hirgalinayaan jubbaland. Madaxweynaha Jubbaland iyo Danjire Divid Concar, waxaa ay booqdeen, dhul laga dhisayo Xarun ay yeelanayaan Sirdoonka Jubbaland oo ay maalgalinayso Dowlada Ingiriiska iyadoo safiirku uu balan qaaday in ay dadaalkooda isugu gaynayaan sidii Soomaaliya ay uga soo kaban lahayd waayahii Burburka, isla markana ay mar kale cagaheeda isugu taagi lahayd. Waxaa kale oo masuuliyiintu ay si wadajir ah ula kulmeen Ururada Bulshada qaybahooda kala duwan iyadoo ay isla soo qaadeen qaabka ay usocdaan mashaariicda kala duwan ee UK ay ka hirgalinayso Jubbaland. The Chairman of the Somali Upper House of Representatives H.E. Abdi Hashi confirmed that the Somali Government made a wrong move to transfer ex- Somali veteran Abdikarim Qalbi-Dhagah to extradite in Ethiopia illegally. The Chairman of the Somali Upper House of Representatives H.E. Abdi Hashi has sworn to table a motion for decisive action against the Current Somali Cabinet and Prime Minister H.E. Hassan Ali Kheyre who made such political mistake. https://www.youtube.com/watch?time_continue=5&v=AlhDUGhcSEo WARARKA MAANTA 9a Sebteembar 2017 Sir Culus Muqdisho Sebteembar 09, 2017Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho, ayaa maanta xiran, waxaana ku sugan ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya oo gaadiidka dagaalka ku jaray wadooyinka. Isgoysyka Tarabuunka, wadada KPP illaa Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho, dadkana waxa ay yihiin kuwa lugeynaya. Ciidamada Militariga ayaa sidoo kale waxa ay xirteen Nawaaxiga xaafadda Warshada caanaha, Isgoyska Black Sea iyo Isgoyska Baar Ubax. Qof ka mid ah dadka reer Muqdisho ee soo lugeeyay, ayaa sheegay inuu indhihiisa ku soo arkay gaadiidka Ciidamada Militariga ay wataan oo wadooyinka lagu jaray. Warar soo baxay ayaa sheegaya inay suuragal tahay Madaxweynaha Soomaaliya inuu tago xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, sidaasina wadooyinka loogu xiray, inkastoo arrintaasi aanan si rasmi ah loo xaqiijin.

Muqdisho Sebteembar 09, 2017 Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta kulankoodii caadiga ah waxa ay ku yeelanayaan Gudaha Magaalada Muqdisho kadib mudo ay fasax ku maqnaayeen. Kulanka Maanta ayaa ah mid xasaasi ah isla markaana isha lagu wada hayo,iyada oo looga hadli doono arrintii Cabdi Kariin Muuse Qalbi Dhagax. Mudanayyaal ka tirsan Baarlamaanka qaarkood ayaa aad uga carooday wareejintii Cabdi Kariim Muuse Qalbi Dhagax,iyada oo kulanka Maanta yahay mid la wada sugayo.

In kastoo warar soo baxaya oo aan la xaqiijin ay sheegayaan in ay macquul tahay in kulanka uu baaqdo balse dooda ugu adag ayaa laga yeelaa doonaa arrinta Qalbi Dhagax sida ay horay u sheegeen Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya.

AFRICOM Sebteembar 09, 2017 War saxaafadeed uu soo saaray taliska ciidamda Mareykanka ee Africa (AFRICOM) Jimcihii ayaa lagu sheegey in iyadoo iskaashi lala yeelanayo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ciidamada Mareykanka qaadeen weerar xagga cirka ah oo qorsheysanaa, kaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab Khamiistii abbaaro 2:45 Duhurnimo xilliga Soomaaliya. Waxana weerarkaasi ku dhintay hal argagixiye, sida lagu sheegey war saxafaadeedka. Howl-galka ayaa ka dhacay meel u dhow magaalada Baraawe oo 270 KM u jirta caasimadda Muqdisho. Mareykanka ayaa holwgalkani fuliyay iyadoo la raacayo awaamiirtii madaxweynaha Mareykanka uu bishii March sanadkan soo saaratay, kuwaas oo u ogolaanaya ciidamada inay ku beegsan karaan al-Shabaab iyadoo taageero laga helayao ciidamada Soomaaliyeed deegaannada ay ku xooggan yihiin Al-shabaab. War-saxaafadeedka oo aan lagu sheegin magaca xubinta ay ciidamada Mareykanka beegsadeen, ayaa waxa sidoo kale lagu xaqiijiyay in ciidamada Maraykanka ay sii wadi doonaan inay adeegsadaan wax kaste oo macquul ah si loo difaaco Ameerikaanka islamarkaasina looga taqalluso halista Al-shabaab

KuubA Sebteembar 09, 2017 Duufaanta Irma oo dabeyl culus wadata ayaa ku dhufatay dalka Cuba

Duufaanta Irma oo xawaare sare ku socota ayaa soo gaartay dalka Cuba kaddib markii ay burbur lixaad leh ka soo gaysatay guud jasiiradaha Caribbean-ka.

Xilligan la joogo duufaanta Irma oo wadata dabeylo culus iyo roob mahiigaan ah ayaa fara kulul ku haysa dalka Cuba, xilli ay duufaantu ka soo gudbayso waqooyiga jasiiraddaasi kaddib markii ay burbur ba’an ka soo gaysatay jasiiradaha Caribbean-ka. Duufaantan oo heerkeeda lagu qiyaasay heerka 5-aad ayaa soo cagadhigatay deegaanka Camaguey Archipelago, ee xeebta waqooyi bari ee dalkaasi. Hasayeeshee Jasiiradda Bahamas ayaanay inta badan wax yeelo gaarin kaddib markii ay duufaantu ka yara weecatay. Mas’uuliyiinta gobolka Florida ee waddanka Mareykanka ayaa haatan waxa ay u sheegeen 5.6 milyan oo qof inay isaga tagaan guryahooda maadaama ay halkaas ku soo wajahan tahay duufaanta Irma, tiradan ayaa ah afar meelood oo meel dadka ku nool gobolkaasi. Dadka ku nool koonfurta Florida iyo kuwa ku nool dhulka ka fog xeebaha ee guryihiisa aanay wanaagsanayn ayaa loo sheegay inay aadaan goobaha ammaanka ah. Kooxaha saadaasha hawada ayaa saadaaliyay in duufaantu ay soo xoogaysan doonto ka hor inta aanay halkaasi ku dhufan wax ka yar 24 saacadood. Ugu yaraan 20 qof ayaa la og yahay in ilaa iyo haatan ay duufaantu ku dishay jasiiradaha Caribbean-ka. Catabta Sebteembar 09, 2017 Shirkadda diyaaradaha ee Qatar Airways ayaa waxaa laga mamnuucay inay isticmaasho hawada dalalka dariska ah ee Khaliijka

Amiirka dalka Qatar ayaa taleefanka kula xiriiray dhaxal-sugaha boqortooyada Sucuudiga si uu ugala hadlo dhibaatada soo foodsaartay xiriirkii ka dhaxeeyay labadooda dal taas oo qaadatay muddo dhowr bilood ah.

Wadahadalka telefoonka ku dhexmaray Amiirka Qatar, Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani iyo dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee ay si rasmi ah u yeeshaan tan iyo markii xiisadda diblomaasiyadeed ay ka dhex billaabatay xukuumadaha Dooxa iyo Riyaadh. Tallaabadan ayaa looga gol lahaa in lagu xalliyo xiisadda taagnayd muddada saddexda bilood ah, iyadoo lagu soo warramayo in Amiirka Qatar uu ogolaaday in wadaxaajood uu ka galo dalabyada ay usoo jeediyeen xulafada Sacuudiga. Haseyeeshee waxaa muran horleh uu ka dhashay cidda samaysay wicitaanka, iyadoo warbaahinta Sacuudiga ay ku warramayso in Amiirka Qatar uu soo wacay dhaxal-suge Maxamed Bin Salmaan. Saacado ka dibna Sacuudiga ayaa ku eedeeyay Qatar inay ka been sheegtay xaqiiqada wadahadalka dhexmaray labada mas’uul, waxaana Riyaadh ay sheegtay inay hakinayso wadaxaajoodka. Arrimaha ay labada dhinac ka wadahadleen ayaa waxaa ka mid ah in xallinta khilaafka loo saaro laba ergay oo kala matalaya dhinacyada, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dowladda Qatar. Madaxweynaha Mareykanka ayaa shalay sheegay inuu diyaar u yahay dhexdhexaadinta labada dhinac, si xal loogu helo xiisadda haraysay gobolkaasi.

Hindiya Sebteembar 09, 2017 Wargeyska The Indian Express ayaa qoray in 60 Somali ka mid ahaa Burcad-baddeed ku xirnaa dalka Hindiya shalay la soo taagay Maxkamadda magaalladda Mumbai ee dalkaasi. Eedeysanayaasha oo ka mid ah 118 Somali ku xirnaa dalkaasi ayaa lagu soo oogay inay sannadkii 2011-kii weerareen Markab Ganacsi oo marayey Xeebaha Somalia. 60-ka Eedeysane waxay qirteen Dembiyadii lagu soo oogay, oo ay ku jireen Burccad-baddeednimo iyo in markii ay Ciiddanka Badda ka soo qabteen Badda Somalia haysteen 10 Qoryaha AK 47 iyo 2 Baasuuke. Garsooraha Maxkamadda Mumbai oo lagu magacaabo JC Jagdate waxa uu 60-ka Eedeysane ku xukumay min 7 sanno ah iyo in dalkooda Hooyo ee Somalia loo masaafuriyo marka laga sii daayo Xabsiga. Dalka Hindiya waxaa ku xiran 118 Maxbuus oo ku eedeysan Burcad-baddeednimo, kuwaasi oo muddo 6 sanno ku xirnaa Xabsiga magaalladda Mumbai. 2 Maxbuus oo ka mid ah Eedeysanayaasha ayaa ku dhex geeriyooday Xabsiga

Muqdisho Sebteembar 09, 2017 Raysal Wasaarihii hore ee Dowladdaii Ku-Meel-Gaarka ahayd ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Yuusuf oo runta ka hadlaya asagoo shacabka, labada gole iyo dhammaan wixii ay qusayso arrimaha Soomaaliya inay xaqa u istaagaan isla-markaasna la la xisaabtamo Dowladda Wada Dadban oo Ummadda Soomaaliyeed iyo xuquuqdooda ku tumanayso. https://www.youtube.com/watch?v=dNCsZe5s7KQ&feature=youtu.be&a Washington DC Sebteembar 09, 2107 Raysal Wasaarihii hore ee Dowladdaii Ku-Meel-Gaarka ahayd Senator Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo kashifay been-abuurkii ay Dowladda Wada Dadban ee uu hoggaaminayo Khaa’inul-Waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre kaasoo ku tuntay dastuurka dalka iyo xuquuqda muwaadin Soomaaliyeed oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka kaasoo uu u dhiibay cadowgii uu la dagaalamay 1977 kuwaasoo uu ka xoreeynayey dadka iyo dhulka Soomaaliyeed ee Soomaali Weyn. Raysal Wasaarihii hore ee Dowladdaii Ku-Meel-Gaarka ahayd Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo sheegay inay khalad weyn tahay inay Dowladda Soomaaliya ku tilmaamto Ururka Dib-U Xoraynta Ogaadeeniya “ONLF” inuu yahay urur argagixiso ayadoo aynsan jirin wadda iyo meelo kale oo ururkaas looga aqoonsan yahay argagixiso. Nala dhagaysta sida uu warkaas u siiyey Idaacadda Codka Shacabka Maraykanka ee “VOA Laanta Af-Soomaaliga. https://www.youtube.com/watch?v=FWOVmuUbST0&feature=youtu.be&a= WARARKA MAANTA 5ta Sebteembar 2017 Sir Culus Su’aalaha Maanta: Yaa naga badbaadi doonaa khaa’inul waddankan iyo Xabashida uu wato? Ma la qarin karo runta? Maxay tahay sababta ku kaliftay Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raamsade” Iyo Raysal Wasaare Ku-xigeen Mudane Mahdi/Khadar “Siil-Dhuuqe” inay soo qabtaan Taliye Qalbi-Dhagax -oo ahaa saraal sare oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya kaasoo ka soo qa-yb qaatay dagaalkii 1977 ee Itoobiya lagu baray casharo qabkeedii iyo hammigeedii dhulka galiyey? Sida xaqiiqda ah waxaa la ogyahay inay Maxay tahay sababta ku kaliftay Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raamsade” Iyo Raysal Wasaare Ku-xigeen Mudane Mahdi/Khadar “Siil-Dhuuqe” yihiin khaa’inul waddaniin ku shaqaynaysa Xabashida Itoobiya ee rabta in Soomaaliya laga dhigo dhul aan dowlad ka jirin si ay Ururka xoogga ku haysta Itoobiya ee TPLF u sii wadaan falalka gummaadka shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay ku nool yihiin! Maxay tahay sababta ku kaliftay Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raamsade” Iyo Raysal Wasaare Ku-xigeen Mudane Mahdi/Khadar “Siil-Dhuuqe” waxay heshiis ku yihiin inaysan wax dowlad ah Soomaaliya ka dhalan sababtoo ah waxaa meeshan keensaday Itoobiya iyo dowladdo raba inaysan Soomaaliya ka hirgelin sharci iyo kala dembayn sidaasna waxaa daliil u ah wali ma aragteen Dowladda Wada Dadban oo ka hadlaysa soo dhisida iyo soo magacaabida guddiga Garsoorka Qaranka? Mise ma aragteen Xeer Ilaaliyaha Guud ee ahaan jiray Jaajuus ay ku shaqaysato Dowladda Itoobiya oo ka hadlaya sharci-darrada ay Itoobiya ka dhex waddo dalka Soomaaliya? Ma aragteen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare d-aba-dhilif Xabashi u shaqeeya Mudane Ibraahim Iidle oo ka hadlaya Itoobiya khaladaadka iyo tacadiyada ay ku hayso Ummadda Soomaaliyeed? Maxay labada Guddoomiye ee Aqalka Hoose Iyo Aqalka Sare uga aamusan yihiin khaa’inul waddanimadda iyo ceebta weyn ee ay sameeyey rag ka tirsan Dowladdan Wada Dadban? Muqdisho 5ta Sebteembar 2017 Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, ayaa waxaa xaruntaasi ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu horkacayay Wasiirka Warfaafinta, C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow). Ra’iisal Wasaaraha, ayaa kormeerkiisan ka dib kulan la qaatay Wasiirka Warfaafinta, Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta, C/raxmaan Iidaan Yoonis iyo qaar ka mid ah Agaasimiye-yaasha Waaxyaha ee Wasaaradda. Wasiir Yariisow, ayaa Ra’iisal Wasaaraha warbixin ka siiyay hawlaha ka socda Wasaaradda Warfaafinta iyo sida ay u shaqeyso Wasaaradiisu. Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa ammaanay shaqada ka socoto Wasaaradda, waxaase uu Madaxda Wasaaraddu ku bogaadiyay inay dardargeliyan shaqadooda. Kormeerkan uu Ra’iisal Wasaare Khayre uu maanta ku tagey Xarunta Wasaaradda Warfaafinta, ayaa qayb ka ah kormeero uu muddooyinkii ugu dambeysay uu ku samaynayay Xarumaha Wasaaradaha ee Xukuumadda. Muqdisho 5ta Sebteembar 2017 Waxaa lagu xasuustaa dhiira galinta Nabada muqdisho.xiliyadii ay adkeeyd oo lahi jiray xamar waa bahalo galeen. Dhisita muraalka indhoolayaasha. Caawinta kooliistataasha. Iyo caawinta dad badan oo dhibabaa. Mustafa dhuxuloow waa nin geesi ah isku kalsoon .mooqifkiisu cadyahay. Mudo 15 sano ayuu waday udanqashada bulshada. 1 in ay niyad jabiyaan shacabka 2 in aysan ku kalsooneeyn naftooda. 3 in aysan wax qabad laheyn cabsi ku nool ay yihiin. Mustaf dhuxuloow ma joojin doono wanaaga uu u hayo umadda waana mid uu Allah kaga Rabo. Ajar. Bini aadamka iskuma quuro heybada uu allah siiyo adoomadiisa! Balse dadka somalida waxaa ku soo batay dad dhaan Raac ah oo aan leyn aragti Fog. Kala saari karin habeen iyo maalin. Sweden 5ta Sebteembar 2017 Haweeneey 106-sano jir ah oo loo maleynayo in ay tahay qaxootigi ugu da,da weynaa caalamka ayaa lagu wadaa in laga masaafuriyo dalka Sweden kadib marki la diday codsigeedii magangalyo. Qoyska Bibihal Uzbeki ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee hooyadood ay aad u xumaatay tan iyo marki ay Waaxda Socdaalka Sweden diiday kiiskooda. Wiilka ay dhashay iyo wiilka ay ayeeyda u tahay ayaa dusha ku soo qaaday Bibihal Uzbeki laga soo bilaabo magaalada Kunduz ee waqooyibari dalka Afghantsan ilaa Iran iyo Turkey oo ay uga sii tallaabeen Yurub, sanadki 2015-ki. Qosyka haweeneydaan 106-jirka ah ayaa sheegay in aysan hadda dib ugu laaba karin dalkeeda hooyo, sababa la xiriira iyada oo aanan hadli karin, soco karin isla markaana waxba arki karin. Waxay sheegeen in ay racfaan ka qaadan doonaan go,aanka waaxda socdaalka ee ka dhanka ah haweeneydaan iyo qoyskeedaba. Hey’ada socdaalka Sweden ayaa sheegtay in da,da weyn darteed aysan dammaanad qaadi karin in qofka la siiyo magangalyo. DDSI 5ta Sebteembar 2017 Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa markii u horeysay ka hadlay xaalada jahwareerka dhalisay ee dhiibidii C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo dhowaan dowladda Soomaaliya u gacan gelisay Itoobiya. Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa wareysi uu siiyay Telefishinka Soomalaida Itoobiya ee ESTV waxaa uu ugu horeyn ka hadlay cida uu yahay C/kariin Qalbi Dhagax, isagoo sheegay inuu yahay nin u dhashay deegaanka Soomaalida Itoobiya, isla markaana uu dambi ka galay, isagoo xusay in arrintiisa ay u taalo Dastuurka dalka Itoobiya C/kariin Qalbi Dhagax waxaa is weydiin mudan waayo, waa nin deegaanka Soomaalida Itoobiya u dhashay oo dambi ka galay, arrintiisa dastuurka dalka ayay u taalaa, C/kariin wuxuu ka mid noqday Booliskii u horeeyay ee deegaanka, dhibaato ayuu geystay, kufsi, dil iyo dhac, duurka ayuu galay, wuxuu ka soo jeedaa degmada Wardheer, arrintiisa iyo xaaladiisa Dastuurka dalka iyo hey’adaha nabadgelyada iyo Mas’uuliyiinta sare ee dowladda Itoobiya ayay u taalaa, tallaabooyinka laga qaadanayo”ayuu yiri Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Waxaa uu sheegay in cida ka hadlaysa dhiibidiisa ay tahay kuwo dano iyo ajandayaal fara badan leh, qaarkood wuxuu ku sifeeyay inay yihiin kuwo kursi ku doodaya “Ninka ka hadlaya C/kariin ee dhahaya 1977 ayuu ku dhaawacmay, muu ka hadlo dadkiisa ee maalin kasta dhaawacmaya, gaar ahaan ciidanka qaranka, kuwa ay Shabaab maalin kasta laayaan oo qaraxa la daba taagan, kuwa dhahaya ninba la dhiibay ee mudaahadaradaya C/kariin waa hal shaqsi, wuu ka nasiib fiican yahay kuwii hore, si nabadgelyo ayuu halkan ku joogaan dastuur iyo sharci ayuu sugayaa, dastuurkaas ayaa wuxuu siiyo luu eeyahay, ee maxaa loo waayay dad Al-Shabaab dadkii ay leysay ka mudaaharaadaya, mey ka mudaaharaadaan Ardaydii qalin jebinayay ee la qarxiyay, kuwa masaajidada lagu dilo, qaraxa maalin kasta dhacaya, maxay maalina ugu mudaaharaadi waayeen”ayuu yiri Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Mar uu ka hadlayay dadka ku tilmaamaya inay yihiin Soomaali Galbeed ayuu xusay inay dadkaas ay yihiin kuwo ka eegaya goob ay joogaan gaar ahaan Muqdisho. “Deegaanka Soomaalida waa Soomaali weeyaan, waa dad Itoobiyaan ah, marka aad Addis Ababa joogto wuxuu kaa xigaa Bariga Itoobiya, hadaad Muqdisho ka eegtana waa Soomaali galbeed, Waxaa uu sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay yihiin dad walaalo ah oo xiriir soo jireen ah u dhaxeeyo, isagoo soo hadal qaaday heshiisyo lala galay Madaxdii hore, sida Wasiir Mahad Maxamed Salaad, Maxamed Mursal Geelle, Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, wuxuu tilmaamay in dhamaan heshiisyadaas ay ahaayeen kuwo hada laga jawaabay ee maxaabiistii la sii daayay ay qeyb ka aheyd sida uu yiri. “Dowladda hada jirta ee Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo, shalay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam ayay ka codsadeen in loo sii daayo 114 dhalinyaro oo halkan dambi ka galay, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu amar ku bixiyay in farta laga saaro, markii la sii daayay waa lagu amaanayay, markaas waxaa laga jawaabayay xiriirkii labada dowladood ee horay u loo saxiixay ee Wasiir Mahad saxiixay, Madaxweyne C/kariin saxiixay, heshiisyaas ayay ahaayeen waxa laga jawaabayo, laakiin in la yiraahdo nin 1977 ku dhaawacmay daw ma ahan. Waxaa uu ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka ee ka doodaya arrinta C/kariin in ugu horeyn ay mooshin ka keenaan Al-Shabaab iyo dhibaatada ay ka wadaan dalka. “Hal Su’aal ayaa weydiinayaa Xildhibaanada, Mooshin maad ka keentaan Al-Shabaab, inta laga doodayo arrinta C/kariin, lama arkin Xildhibaan ka hadlaya dhibaatada Al-Shabaab iyo horumar la’aanta ay shacabka la rabaan, ee cod u raadinaya ama xaabo u aruursanaya lama arkin, marka dan kale adoo leh in Deegaanka Soomaalida Itoobiya wax ka sheegta kuuma banaana, Itoobiya cadaw kuma ah Soomaaliya, horumarkeeda iyo nabadgelyadeeda ayay rabtaa”ayuu yiri Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar. Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in dowladda Itoobiya aysan marna ogolaan dad cad Kenya 5ta Sebteembar 2017 Guddiga doorashada dalka Kenya ayaa sheegay in doorasho kale oo cusub oo ay ku tartami doonaan madaxweyne Uhurru Kenyata iyo hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga la qaban doono 17-ka bisha October. Guddiga doorashada waxay sheegeen in go,aankani ay qaateen iyaga oo raacaya amarka Maxkamadda Sare ee lagu buriyey sharciyadda natiijadi doorashadi dalkaasi ka dhacday bishi hore. Maxkamadda ayaa amartay todobaadki hore in la qabto doorasho kale muddo 60 cisho gudahood. Doorashadan cusub ayaa kaliyah waxaa ku tartami doona madaxweynaha hadda talada haya iyo hogaamiyaha mucaaradka oo ahaa musharaxiinti ugu codka badnaa doorashadi madaxtinimo ee bishi August. https://www.youtube.com/watch?v=K-HB3BLnaG8 WARARKA MAANTA 4ta Sebteembar 2017 Sir Culus Su’aalaha Maanta: Maxay tahay sababta ku kaliftay inuu Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre Iyo Raysal Wasaare ku-xigeen Mudane Mahdi/Khadar ay ugu diibeen Itoobiya Sarkaal Sare Cabdixakiin Qalbi-Dhagax oo ka tirsanaan jiray Ciidamadda Xoogga Dalka kaasoo u dagaalamayey xoraynta dhulka Soomaali Galbeed ee Xabashidu xoogga ku haysato? Maxuuse Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uga aamusan yahay khaa’inul-waddanimaddan haddii uusan waxba ka ogeyn khaa’imiinta wada khaa’inul waddanka ah? Mise waxay madaxda Soomaaliyeed u malaynayaa inay sidii ay u qaldi jireen Ummadda Soomaaliyeed ay maanta u qaldi karaan? Waxaa la iska rabaa jawaab sax ah haddii kale sheekadii Masar iyo dhul badan lagu xoreeyey ayeey Ummadda Soomaaliyeed u soo bixi doonaan ilaa wixii waxan ka dembeeyey la horkeeno sharciga dalka iyo sharciyada caalamiga taasoo macnaheedu yahay inaysan jiri doonin qof iyo dad ka sareeya dastuur iyo sharciyadda adduunka oo iska sameeyey waxkasta! Mida kale dhammaan Taliyayaasha Nabadsugidda, Booliska, Asluubta, Militariga iyo Garsoorkaba sida Xeer Ilaaliyaha Guud Iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waa inay si deg deg ah isku wada casilaan waayo waxay qaban waayeen waajibaadoodii ayagoo u kala shaqaynaaya dowladdo shisheeye ah. Kuuriyadda Waqooyi 4ta Sebteembar 2017 Kuuriyada Koofureed ayaa sheegeysa inay tijaabisay gantaal iyadoo ka jawaabeysa tijaabadii hubka nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi . Shiinaha iyo Ruushka ayaa iyaguna walaac ka muujiyay falka Kuuriyada Waqooyi. Dhanka kale madaxweyne Trump ayaa ku cambaareeyay Kuuriyada Waqooyi tijaabadeedii ugu dambeysay ee hubka nukliyeerka – wuxuuna uga digay in Mareykanku uu joojin doono xiriirka ganacsi ee dal walba oo xiriir la leh Kuuriyada Waqooyi. Shiinaha oo ah saaxiibka ganacsi ee ugu weyn ee ay leedahay Pyongyang, ayuu Trump ugu yeeray waqooyiga inay khatar ku tahay Beijing. Mar ay weriyeyaashu weydiiyeen haddii Mareykanku uu weerari doono Kuuriyada Waqooyi, ayuu Trump sheegay in laga war dhowro waxa dhici doona. Kaddib hadal gaaban oo uu madaxweynuhu jeediyay, ayaa xoghayaha gaashaan-dhigga Mareykanka James Mattis wuxuu sheegay in Mareykanku uu ajwaab milatari ka bixin doono khatar walba oo Mareykanka ku wajahan, geyigiisa iyo xulafadiisaba. IGAD 4ta Sebteembar 2017 Diplomaasiga Ethiopianka ee Jeneral Gabre ee La-taliyaha dhinaca Siyaasadda u ah Urur-gobaleedka IGAD ayaa la sheegay inuu Bartiisa Twitterka ku faafiyey sida uu ula dhacsan yahay qaabkii ay DFS ugu soo gacan-gelisay Dowladda Ethiopia, C/kariim Sheekh Muuse “Qalbi-dhagax” oo ka tirsan Saraakiisha Jabhadda ONLF, Shabakadda Wararka Horn Observer ayaa soo daabacday 2 qoraal oo uu Jeneral Gabre mid ku ammaanay Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA iyo mid uu ku eedeeyey Madaxweynaha iyo Ra’isul-wasaaraha inay taageeraan waxa uu ugu yeeray Argagixiso, waa sida uu Jeneral Gabre ku soo qoray Twitterkiisa. Kudos ku socota NISA oo Ethiopia u soo gacan-gelisay Argagixisaha ONLF, Maya mahadnaq  ku socota Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul-wasaare Kheyre” ayuu General Gabre ku soo qoray Bartiisa Twitterka, sida aynu ka soo xiganay Horn Oberserver. Jeneral Gabre oo ahaa Ergaygii Gaarka ee Dowladda Ethiopia ugu qaabilsanaa Arrimaha Somalia, waxa kale oo uu Twitterkiisa ku eedeeyey Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul-wasaare Kheyre oo uu ku tilmaamay inay taageeraan Argagixisadda ONLF, waa sida uu hadalka u dhigay. Xeeldheerayaal badan oo ay soo xigatay Shabakadda Horn Observer ayey ku sheegeen Tallaabadda Sarkaalka ONLF loogu gacan geliyey Dowladda Ethiopia tahay fal la sii qorsheeyey oo la doonayo in DFS lagu carqaladeeyo Siyaasad ahaan. Dhinaca kale, Dowladda Ethiopia waxay Jimcihii xaqiijisay in loo soo gacan gelisay C/kariim Sheekh Muuse o oah Satkaal sare oo ka tirsan Jabhadda ONLF. Tallaabadaasi waxay Xiisad iyo Guux ballaaran ka dhex abuurtay dadka isticmaala Baraha Bulshadda, kuwaasi oo Aragtiyo kala duwan isweydaarsada. Hoos Ka Akhri labada Qoraal oo uu soo dhigay Twitterkiisa, Maamulka Puntland Iyo Maamulka Galmudug 4ta Sebteembar 2017 Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa weli ku wada sugan labada Madaxweyne ku xigeen ee Maamulada Puntland iyo Galmudug kuwaas oo la filayo in ay ka qeyb qaataan kulan Nabadeed ka dhacaya Magaaladaas. Maalmihii la soo dhafay ayaa kulamo hordhac ah waxa ay ka socdeen gudaha Magaalada Gaalkacyo kaas oo u dhaxeeyay masuuliyiin heer Gobol ee Maamulada Puntland iyo Galmudug. Xersi Yuusuf Bare Duqa degmada Gaalkacyo ee qeybta Galmudug ayaa Radio Dalsan u faah faahiyay kulmadaas iyo kulanka la filayo in uu dhex maro labada madaxweyne ku xigeen ee Puntland iyo Galmudug. Taxes 4ta Sebteembar 2017 Badhasaabka gobolka Texas, Greg Abbott ayaa sheegay in kharashka ku kacaya dib u dhiska burburkii ka dhashay duufaantii Hurricane Harvey uu gaari karo 180 bilyan oo doolar. Wuxuu sheegay in waxyeeladu ay ka darran tahay middii Hurricane Katrina ee sannadkii 2005tii ku dhufatay magaalada New Orleans. Dhanka kalana, madaxa hay’adda maamusha masiibooyinka ayaa ka digtay in gobollada ay saameeyeen daadadku ku tiirsanaanin kharashaadka faderaalka oo kali ah. Brock Long ayaa sheegay in duufaanta Harvey ay digniin u tahay sarakiisha deegaanka. Hawlaha dib u soo kabashada ayaa ka socota Texas oo dhan iyo Louisiana, oo ay daris yihiin, inkastoo ay jiraan goobo badan oo wali la daalaadhacaya biyihii daadadka. Dufaanta daadadka wadata ayaa toddobaad ka hor ku dhuftay gobolka waxaana lagu eedeeyay in ay galaafatay nolosha 47 ruux. Dad lagu qiyaasay 43,000 ayaa hoy looga sameeyay meelo ku meelgaar ah. Dawladda Maraykanka ayaa haddaba waydiisay aqalka Congress-ka Maraykanka $7.85bn si loogu kabo hawlaha dib u soo kabashada, arrintaas oo Abbott uu sheegay in uusan ku “faraxsanayn”. Maamulka Puntland 4ta Sebteembar 2017 Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen dadkii ka dambeeyay qaraxyadii 1-dii bishan ka dhacay tuulada Af-urur ee Gobolka Bari. Ciidamo ka tirsan Puntland iyo dad shacab ah ayaa ku dhintay laba qarax oo halkaasi ka dhacay, kadib markii qaraxyada la galiyay kabar jaadka lagu iibiyo hoostiisa. Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Puntland Gaashaanle Dhexe C/rashiid C/raxiin Ismaaciil oo hadal kooban ku soo qoray bartiisa Facebooka ayaa sheegay dadkan la qabtay in ay isugu jiraan rag iyo dumar. Wuxuu sheegay Taliayaha dadka la soo qabtay inay ku socdaan baaritaan la xiriira dhacdada loo soo qabtay, waxaana uu intaasi ku daray in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono. Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxyada ka dhacay degaanka Af Urur ee Gobolka Bari, waxaana Shabaab ay sheegeen inay dileen ciidamo badan oo ka tirsan Puntland. Maamulka Hirshabbeele 4ta Sebteembar 2017 Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim oo ka tirsan Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle  ayaa sheegay in ay la xisaabtami doonaan masuuliyiinta gobolka Hiiraan, kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay sameeyeen kala qeybsanaan. Wuxuu sheegay Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan dadka ka soo jeeda in ay ku mideysan yihiin Baarlamaan, Dastuurkana laga soo ansixiyay shacabka labada dhinac, balse aanan loo baahneyn in la abuuro xaalad kala fogaansho. “Waxaan la xisaabtameynaa masuuliyiinta gobolka Hiiraan, waxaan wax ka weydiineynaa hadalka ka soo yeeray ee ah in ay ka madax banaan yihiin Hirshabeelle, Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan dadka ka soo jeeda waxay ku mideysan yihiin Baarlamaan”. Ayuu yiri xildhibaan Maxamed Bashiir.Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan ayaa horey u sheegay in ay taageersan yihiin Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble, kaasi oo bartamihii bishii August ee sanakan kalsoonida ay kala laabteen xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle. Cali C/laahi Cosoble Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeelle ayaa maamul ka madax banaan Hirshabeelle wuxuu kaga dhawaaqay magaalada Beledweyne, halkaasi oo ay ku sugan yihiin dad isaga taageersan. Maamulka Puntland 4ta Sebteembar 2017 Ciidamada ammaanka gobolka Bari ayaa gacanta ku dhigay mid ka mid ah magafayaashii Tahriibin jiray Dhalinyarada Soomaaliyeed oo ku sugnaa magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Ninkan oo xalay gacanta lagu soo dhigay ayaa warkan waxaa warbaahinta u xaqiijiyay Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys (Dhedo). Wxuuu sheegay Guddoomiyaha ninkaasi in hada ay ku socdaan baaritaano, Maxkamadna la horkeeni doono, si cadaalada loo marsiiyo. Yuusuf Maxamed Waceys (Dhedo) Guddoomiyaha gobolka Bari ayaa shacabka reer Puntland laabta ugu qaboojiyay in ninkan uu ku jiro gacanta Puntland, kaasi oo tahriibiyay dhalinyaro badan. “Waxaa kaloo xalay lagu guulesytay in la soo qabto ninkii magafe ee bilihii ugu dambeeyay wadanka wareeriyay, ee ilmihii loo keeno ku bixinayay laba boqol oo Dollar, oo dad badan reer Boosaaso ah tahriibiyay.” Ayuu yiri Dhedo. Qoryooleey 4ta Sebteembar 2017 Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ururka Al-shabaab kala wareegay Shan tuulo oo ka tirsan degmada Qoryooley, sida uu warbaahinta Risaala u xaqiijiyay Taliyaha Ciidanka Booliska Saldhiga degmada Qoryooley Cali Maxamed Aadan (Cali Waal). Wuxuu sheegay Cali Waal Howlgal gaar ah oo ay sameeyeen in ay kula wareegeen tuulooyinkaasi, ayna sii socon doonaan howlgalada ka socda Qoryooley ee Shabaab lagula dagaalamayo. Cali Waal ayaa sheegay tuulooyinkaasi in ay la wareegeen labadii maalmood ee ugu dambeysay, ayna ka mid yihiin tuulooyinka Bandar, Daraano, Xarun-labaad iyo kuwo kale. Sarkaalkan ayaa sidoo kale inoo sheegay Shabaabka in ay ka dileen Afar nin, ayna ka qaateen laba Qori, wuxuu kaloo inoo sheegay laba Shabaab ah in ay nolosha ku soo qabteen. Taliyaha Ciidanka Booliska Saldhiga degmada Qoryooley Cali Maxamed Aadan (Cali Waal) ayaa dhanka kale sheegay in ay gacanta ku dhigeen raashiin uu sheegay Shabaabka in ay ka soo uruuriyeen dadka shacabka ah. Msar 4ta Sebteembar 2017 War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Masar ayaa lagu sheegay shacabka iyo xukuumadda Masaarida in ay garab taagan yihiin Dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ee wajahaya weerarada Argagixisada. Dowladda Masar ayaa sheegatay in ay diyaar u tahay taageerada Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, si dib loogu dhiso Hay’adaha Dowladda. Waxaa warka qoraalka ah lagu sheegay Masar in ay si weyn u cambaareyneyso weerarkii ururka Al-shabaab subixii hore ee shalay ay ku qaadeen xero Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin degaanka Buulo-guduud, oo u dhow magaalada Kismaayo. Cambaareynta ka soo yeertay Dowladda Masar ayaa dadka falanqeeya arrimaha carabta waxa ay ku tilmaameen in ay muujineyso Masar in ay si dhab ah u daneyneyso arrimaha Soomaaliya. Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay weerarkaasi inay ku dileen in ka badan 26 askari  oo ka tirsan ciidamada Jubbaland iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliya, inkastoo saraakiisha Ciidamada xoogga dalka warkaasi ay beeniyeen. Bishii hore wafdi uu hoggaaminayay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa booqasho ku tagay magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaasi oo uu heshiisyo kula soo galay Madaxweyne C/fataax Al-sisi. Jabaan 4ta Sebteembar 2017 Lammaanaha oo isku dhoolla-caddeynaya kaddib markey alkumashadooda ku dhawaaqeen Amiiradda Japan Mako ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay is alkunteen wiil aan qoyska ka tirsaneyn kaddib markii boqortooyada ay ansixisay. Arrintan ayaa ka dhigan in amiiraddu aysan ka sii tirsanaan doonin boqortooyada oo aysan dhaxalsuge noqon doonin. Sharci Japan ka jira oo aan la isku waafaqsaneyn ayaa dhigaya in haweenka ka tirsan boqortooyada ay lumen doonaan booskooda haddii ay guursadaan qof aan boqortooyada ka tirsaneyn, halka laakiin xaalka raggu uu sidaa ka duwan yahay. Shir jaraa`id oo ay shalay qabatay ayay amiiraddu ku sheegtay in markii ugu horreysay uu sida qorraxdii u soo jiitay dhoolla-caddeynta Kei Komuro. “Waan ogaa tan iyo markii aan carruur ahaa in markaan guursado aan ka tegi doono boqortooyada,” ayay tiri Mako. Mako iyo gacaliyaheeda Kei Komuro, waa 25-jir. Kei wuxuu u shaqeeyaa hay`ad arrimaha sharciga ka shaqeysa. Lammaanahan ayaa kulmay shan sano kahor iyagoo isku jaamacad dhiganayay. Amiiradda ayaa laga sugayay inay arrintan ku dhawaaqdo bishii July, balse dib ayaa loo dhigay kaddib markii musiibadii roobka ay saameysay galbeedka Japan. Arooska ayaa la filayaa inuu qabsoomo sanadka soo socda, sida laga soo xigtay warbaahinta qaranka dalkaas. Maamulka Khaatumo 4ta Sebteembar 2017 Madaxweynaha Maamulka Khaatuma Cali Khaliif Galeyr ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland in faragelin Siyaasadeed ay ku hayaan Maamulkooda. Waxa uu sheegay in heshiisyo dhowr mar wada galeen Maamulada Khaatuma iyo Soomaaliland ay ka mid ahaayeen in meel looga soo wada jeesto dowladda iyo Maamulka Puntland faragelinta ay ka wadaan Gobolada Sool iyo Sanaag sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale waxa uu hadalkiisa ku daray in Magaalada Buuhoodle sidoo kale aysan u ogolaan doonin ay tagaan Siyaasiyiin ku lug leh dowladda Soomaaliya iyo Puntland. Heshiisyadii Hore ee Somaliland & Khaatumo ayuu Sheegay iney isku waafaqeen in hal meel ah looga soow ada jeesto, Islamarkaana ay Masuul ka Yihiin Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, siduu Hadalka u dhigay Cali Khaliif galeyr Magaaladda Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Cayn ayaa waxaa ka Taagan Khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya Maamulada Puntland iyo Khaatumo, oo Siyaasado kala Gadisan ka wata deegaanka iyo Somaliland oo Hadda la garab ah maamulka Khaatumo, Garabka uu hogaamiyo Cali Khaliif Galeyr, Dhawaana Fadhi ay ku yeesheen Buuhoodle Xildhibaano ka Tirsan Khaatumo ayeey ku sheegeen in Jagadii madaxtinimo ay ka Qaadeen Hogaamiyahoodii Cali Khaliif Galeyr iyagoo Xilka U sii dhiibay Ku Xigeenkiisa https://www.youtube.com/watch?time_continue=3&v=VT3nPhogHnM WARARKA MAANTA Sebteembar 03, 2017 Sir Culus Su’aalaha Maanta: Maxay tahay sababta uu Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre Iyo Raysal Wasaare Ku-xigeen Mudane Khadar/Mahdi u ogolaadeen inay Madaxdii Jabhadda Dib-U Xoraynta Ogaadeeniya Qalbi-Dhagax u dhiibaan Dowladda Itoobiya oo rabta inaysan Soomaaliya waligeed nabad iyo barwaaqo noqon? Maxayse Xeer Ilaaliyaha Qaranka Mudane Axmed Fiqi Iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Ibraahim Iidle Saleebaan ay uga aamusan yihiin khiyaanada qaran ay ku kaceen madaxda sare ee dalka? Mise ayaga ayaa jaajuus wali u ah xabashidii ay jaajuusiinta u ahaayeen ee ay uga shaqaynaayeen dhulka Soomaali Galbeed taasoo wali si sharci-darro ay ay ku haysto Itoobiya? Runta ayaa la rabaa balse waxaa nasiib-darro ah in Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo dagaalkii 1977 ka qaybgalay ay Dowladda Wada Dadban ugu gacan-galisay cadowga soo jireenka ah ee dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Muqdisho Septeembar 03, 2017 Warqad qoraala oo kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia Yuusuf Garaad, ayaa waxaa la hadalka warbaahinta looga mamnuucay dhammaan shaqaalaha Wasaarada. Wasiirka ayaa warqadaasi ku amray Shaqaalaha Wasaarada inaanu la hadli karin warbaahinta iyagoo aan fasax ka heysan xafiiskiisa. Amarka kasoo baxay Xafiiska Wasiir Yuusuf Garaad ayaa waxaa Safiirada Somalia u fadhiya caalamka looga mamnuucay inay la hadlaan Saxaafada iyagoo aan soo marin Xafiiska Wasiirka. Waxa uu Wasiirka ku amray Madaxda iyo Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha dibadda oo ay ku jiraan Safiirada in aysan la hadlin warbaahinta ogolaansho la’aan. Warqadda ayaa lagu sheegay in ay waajib tahay in Safiiradda ay ogolaansho ka qaataan Wasaaradda Arrimaha dibadda marka ay hadlayaan. Dhawaan ayay aheyd markii Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka uu Wasiirada XFS ku amray in marka ay doonayaan in ay warbaahinta la hadlaan in ay ogolaansho kasoo qaataan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Kuuriyadda Waqooyi Septeembar 03, 2017 Dhul gariir ayaa laga dareemay Kuuriyada waqooyi,taasi oo dhalisay in la isla dhex maro war sheegaya in Kuuriya wuqooyi ay tijaabisay markii lixaad hubka Niyukleerka. Khubaro Maraykan ah ayaa waxa ay sheegeen in gariir cabirkiisu yahay 6.3 ah cabirka dhul gariirda lagu qiyaaso laga dareemay wuqooyi bari dalkaasi. Khubarada ayaa waxa ay intaa ku dareen in ay suuragal tahay in dhul gariirka uu ka dhashay qarax. Goobta gariirka laga dareemay ayaa ah goobtii ay horay Kuuriyada waqooyi ugu samaysay tijaabada Niyukleerka. Gariirkan laga dareemaya Kuuriyada waqooyi ayaa yimid saacdo uun ka dib markii warbaahinta Kuuriyada waqooyi ay sheegtay in ay tijaabisay nooc ah bambaano hydrogen . Kuuriyada waqooyi waxay sheegtay in bambaanadani ay xanbaari karaan gantaalada qaaradaha isaga talaaba. Kuuriyada Koonfureed ayaa dhankeeda sheegtay in gariirkan laga dareemay degaanka Kilju oo ah goobta ay Kuuriyada wuqooyi ku tijaabiso Niyukleerka. Madaxa ciidamada militariga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in ay filayaan in Kuuriyada waqooyi ay tijaabisay hub Niyukleer ah. Xarunta la socodka dhul gariirada ee Shiinaha ayaa waxay sheegeen in gariirka ay ka shakisan yihiin in uu ka dhashy qarax. Gaalkacyo Septeembar 03, 2017 Madaxweyne ku xigeenada maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa lagu waddaa in ay saacadaha soo socda ay ku kulmaan Magaalada Gaalkacyo. Shalay ayay gaareen Magaalada, waxaana ay laba dhinac ay la kulmeen waxgaradka Magaalada Gaalkacyo. Waxaa lagu waddaa in ay ka waddahadlaan xiisad u dhaxeysa Maleeshiyaad labada dhinac kasoo kala jeeda oo ka taagan Bariga gobolka Mudug. Qodobadda sidoo kale ay hadli doonaan ayaa waxaa ka mid ah xoojinta Ciidamada isku dhafka ah ee loo sameeyay Magaalada Gaalkacyo. Todobaadyadii lasoo dhaafay ayaa waxaa dhacay Weeraro badan oo ay geysteen Kooxo hubeysan ,taasoo sare u qaaday Xiisadda gobolka Mudug. Bangaaladeesh Septeembar 03, 2017 Hay`adda arrimaha qaxootiga ayaa ka digtay inay buux-dhaafaan xeryaha qaxootiga dalka Bangladesh ee ay ku soo qulqulayaan Muslimiinta Rohingya ee ka soo qaxaya dalka deriska la ah ee Myanmar. Ilaa iyo haatan lixdan kun oo Muslimiinta Rohingya ah ayaa ka tallaabay xadka Myanmar uu la wadaao Bangladesh muddo toddobaad ah. Afhayeen u hadashay hay`adda ayaa BBC-da u sheegtay in xeryaha qaxootiga ay buux-dhaafi doonaan, haddii qulqulka qaxootiga Rohingya uu sii kordho. Ciidamada Myanmar ayaa bilaabay olole ka dhan maleeshiyaadka Rohingya ee ku sugan gobolka Rakhine toddobaadkii la soo dhaafay. Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Britain, Boris Johnson, ayaa ugu baaqay madaxweynaha Myanmar, Aung San Suu Kyi, inay soo afjarto qalalaasaha dalkaasi ka taagan. Barnaamijka Cuntada Adduunka ee WFP ayaa sheegaya in toddobaadyadii la soo dhaafay uusan gargaar gaarsiin boqollaal kun oo qof, sababo la xiriira dagaalka halkaasi ka socda. Galgaduud Septeembar 03, 2017 Taliska ciidamada xooga Dalka qeybta 21-aad ayaa soo saaray amaro la xiriira adkeynta amaanka guud ee Magaalada Cadaado. Taliska ayaa sheegay in aan hub aan lagu dhex wadan Karin gudaha Magaalada Cadaado. Taliska ayaa tilmaamay in aysan aqbali doonin in ciidamo aan ahayn kuwa amaanka in aysan hub ku dhex wadan Karin gudaha magaalada. C/llaahi Aadan Xuseen Cirro oo ah taliyaha qeybta 21-aad ee ciidamada xoogga Dalka ayaa sheegay in ay ku dadaalaya xaqiijinta amaanka iyo yareynta hubka gudaha magaalada lagu dhex wadanaayo. Sidoo kale Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidamada xoogga Dalka C/llaahi Aadan Xuseen Cirro ayaa shacabka Magaalada Cadaado ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidamada amaanka si loo xaqiijiyo amaanka guud ee magaalada. Baraawe Septeembar 03, 2017 Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn diyaaradaha Dowladda mareykanka ay ka fuliyeen saldhig dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ay ku lahaayeen inta u dhaxeysa degmooyinka Baraawe iyo kuntu-waarey ee Gobolka Shabeelaha Hoose. Duqeyntaas oo mareykanka uu sheegay in lagu dilay xubno ka Tirsan Al-shabaab ayaa waxaa soo baxaya in lagu dilay Abdirahman Hudeyfi oo saaxiib dhow la ahaa amiirka Guud ee Xarakada Al-shabaab, islamarkaana sidoo kale horey usoo noqday Gudoomiyaha Gobolada Jubooyinka ee Maamulka Al-shabaab. Sidoo kale Abdirahman Hudeyfi oo saaxiib dhow la ahaa amiirka Guud ee Xarakada Al-shabaab ee Abuu Cubeydah, ayaa sidoo kale maamulka al-shabaab u qaabilsanaa dhanka dacwadda, in idaacadaha Al-shabaab laga baraarujiyo shacabka, inkastoo aan waligiisa uusan ogolaanin in sawir laga qaado. Mareykanka oo qiray In duqeyntaas lagu dilay xubno ka Tirsan dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab, hadana ma uusan sheegin magacyadda iyo tiradae xubnaha Al-shababa ee duqeyntaas lagu dilay. Turkiga Septeembar 03, 2017 Wasiirka Arrimaha dibedda ee dalka Turkiga Mevlut Cavusoglu, ayaa ugu baaqay dowladda Bangladesh in ay albaabadeeda u furto Muslimiinta Rohingya ee kasoo cararaya dhibaatooyinka ka taagan is-maamulka Rakhine ee galbeedka dalka Myanmar. Wasiirka ayaa hadalkaasi ka sheegay khudbad maalintii koowaad ee ciida uu u jeedinayay taageerayaasha xisbiga AK ee ku sugan gobolka Antalya. “Waxaan ugu baaqayaa dhawaan dhammaan hay’addaha Muslimiinta kulan looga hadli doono dhibaatooyinka dadkaasi haysta, waxaana kulanka la qaban doonaa sanadkan”, ayuu yiri Qiyaastii 6 kun oo Muslimiinta Rohingya ah ayaa ka tallaabay xadka Myanmar uu la wadaao Bangladesh muddo toddobaad ah, sida dowladda dalka Bangladesh ay sheegtay. Dadka dalkaasi galay ayaa waxaa ay kasoo carareen dhibaatooyin xooggan oo ka jira dalkooda. Hay’adda xuquuqda aadanaha ayaa ku baaqay wax ka qabashada dhibaatadda. Hay`adda arrimaha qaxootiga ayaa ka digtay inay buux-dhaafaan xeryaha qaxootiga dalka Bangladesh ee ay ku soo qulqulayaan Muslimiinta Rohingya ee ka soo qaxaya dalka deriska la ah ee Myanmar. Ciidamada Myanmar ayaa bilaabay olole ka dhan maleeshiyaadka Rohingya ee ku sugan gobolka Rakhine toddobaadkii la soo dhaafay. Muqdisho Septeembar 03, 2017 Dab xooggan ayaa xalay fiidkii ka kacay Suuqa labaad ee ugu weyn Soomaaliya ee Suuq Bacaad ee Magaalladda Muqdisho. Dabkan oo sida la sheegay ka dhashay koronto, ayaa markii hore qabsaday qaybta sarifka, waxaana uu daqiiqado ka dib uu ku fiday dhismayaal ganacsi ee ku dhow dhow, sida mid kamid ah ganacsatada Suuqa uu u sheegay Hiiraan Online. Dabka oo bilowday abaarihii 7-dii fiidnimo, ayaa waxaa lagu guuleystay in la baqtiiyo 11-kii caweysnimo. Gawaarida dad demiska ee maamulka gobolka Banaadir iyo kuwa ay leeyihiin shirkado gaar ah ayaa ku guuleystay inay demiyaan dab ka kacay suuq Bcaad. Dabka ayaa gubay qeybo ka mid ah suuqa, lamana oga qaraasaha ka dhashay, balse waxaa loo maleynayaa inay malaayiin dollar noqon karto. Dad shacab ah oo ku noollaa nawaaxiga dabka uu ka kacay ayaa xalay xilli dambe laga saaray guryahooda. Qiiq iyo Uuro wayn oo ka kacday suuqa ayaa laga arkay qaybo badan oo magaalada Muqdisho ka mid ah. Septeembar 03, 2017 Shiikh Maxamed Idiris oo ka hadlay arrinta balse maxuu uga hadli waayey khaa’inul waddanimadda ay dowladda Sacuudiga ku rabto inay Soomaaliya u kala qaybiso Itoobiya Iyo Kenya https://www.youtube.com/watch?v=cJOK2KaU7yM WARARKA MAANTA 1da Sebteembar 2017 Sir Culus Ciid Wannaagsan! Dowlad Cadaalad Daro Iyo Dhaba-Dhilif Noqtay maxay u qaban kartaa Ummadda? Su’aalaha Maanta: Maxay tahay sababta Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Makhti-Raamsade” oo asagoo khaa’inul waddan ah sida ay kashiftay Shirkadda Soma & Gas iyo Raysal Wasaare Ku-Xigeen Mudane Mahdi “Sill-Dhuuqe” ay si aan sharciga dalka Soomaaliya iyo sharciga caalamiga waafaqsanayn u xad-gudbeen ayagoo si sharci darro ah u ogolaaday nin Soomaali ah loo dhiibo Xabashi Injirleey xun oo aanu waligeen ka adkaan jiray taasoo marka aanu dhulka ku jiido u soo habro-wacan jirtay gaalada kale ee shisheeye ah? Ma waxay u malaynayaan inay Ummadda Soomaaliyeed wax ka qarin karaan dembiyadii ay horay uga galeen dalka iyo kuwa ay hadda ka galayaan Ummadda Soomaaliyeed? Maanta: Maxay tahay sababta ay Madaxda Dowladda Soomaaliya ugu sareeyso u gudbiyeen Madaxii Jabhadda Dib-u Xoraynta Ogaadeeniya Mr. Qalbi-dhagax kaasoo loo gacan geliyey cadowga soo jireenka ee Ummadda Soomaaliyeed? Maraykanka 1da Sebteembar 2017 Maamulka Trump ayaa kala soo baxay afar shirkadood kuwii u tartamayey in ay qandaraaska ku qaatan gidaarkii madaxweynuhu sheegay ee mudadada la hadal hayey in laga dhisayo xadka Maraykanku la leeyahay Mexico, waxaanay shirkadahaasi ku guulaysteen samaynta muunadda gidaarka. Amarka gidaarkan lagu dhisayo ayaa ahaa qaraarkii u horeeyey ee madaxweyne Trump saxeexay, waxaanu dhaliyey mudaharaaddo lagaga soo horjeedo oo ka dhacay labada dalba. Gudoomiye ku xigeenka wakaaladda ilaalada xuduudaha, Ronald Vitiello, ayaa shir jaraa’id ka sheegay in qandaraaskii lagu dhisayey gidaarkaas la siiyey shirkado laga leeyahay gobollada Alabama, Arizona, Texas iyo Mississipi. Qiimaha gidaarkan muunadda ahi ku kacayo ayaa gaadhi kara hal milyan oo doolar, intii uu ku jiray ololaha doorashadana wuxu Trump ku nuuxnuuxsaday in dalka Mexico bixin doono lacagta lagu dhisayo gidaarkaas. Nashqadda iyo muunadda gidaarkan ayaa lagu samayn doonaa magaalada San Diego ee gobolka California. Maraykanka 1da Sebteembar 2017 ku leeyahay Maraykanka Ruushka ayaa lagu amray inuu xiro qunsuliyadda uu ku leeyahay San Francisco iyo laba xafiis oo kale, taasoo jawaab u ah “falka aan loo baahnayn ee Ruushka” sida uu Maraykanku sheegay. Xafiiska arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqay xiritaanka, ka dib markii Moosko ay khasabtay in la yareeyo diplomaasiyiinta Ruushka bishii Luulyo. Go’aankan waxaa loo sameeyey si “is le’ekaansho” loo helo ayuu xafiisku ku daray. Xiritaanka qunsuliyadda iyo xafiisyo ku yaalla New York iyo Washington ayey tahay in la soo dhamaystiro wixii loo gaaro Sabtida. Inkastoo xafiiska arrimaha dibadda uu sheegay talaabada Maraykanku inay jawaab u tahay wax lagu tilmaamay “fal aan loo baahnayn oo waxyeello leh” oo lagu yareeyey tirada diblomaasiyiinta Maraykanka ee Ruushka, ayaa haddana dhanka kale lagu sheegay in lagu doonayo in lagu soo afjaro xurguftan. “Inkastoo ay sii socon doonto is le’ekaan laanta tirada diblomaasiyiinta iyo xafiisyada qunsuliyadaha, ayaan doorannay inaan u ogolaanno xukuumadda Ruushka inay u sii furnaadaan, dadaal looga gol leeyahay in wax looga qabto xiriirka hoos u sii socda” ayaa lagu yiri hadal qoraal ah oo xafiiska arrimaha dibadda ee Maraykanka uu soo saaray Khamiistii. Muqdisho 1da Sebteembar 2017 Xasan Cali Kheyre ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa marka hore Shacabka Soomaaliyeed,waxa uu ugu hambalyeeyay Maalinta Koowaad ee Ciida Carafo oo ku beegan Maanta oo Jimca ah. “Waxan u hambalyeeynayaa shacabka soomaaliyeed farxada ciida waxaan leeyahay nabad ku ciida sanadkaan kiisa xiga ku gaara bashbash iyo Barwaaqo ayuu yiri ra’iisul Wasaare kheyre” Sidoo kale waxa uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay ka Shaqeeyaan nabada uyo qaranimada si dalkaan uu u gaaro horumar iyo barwaaqo. Irak 1da Sebteembar 2017 Ra’isulwasaaraha dalka Iraq Haider al-Abadi ayaa ku dhawaaqay in ay dib uga qabsadeen kooxda Daacish magaalada Tal Afar iyo guud ahaan gobolka Nineveh (Ninweh). Bayaan uu kasoo saaray xarunta madaxtooyada ee magaalada Baghdad ayuu Al-abadi ku sheegay in guud ahaan magaalada Tal Cafar ay hadda ku jirto gacanta ciidanka qalabka sida. Taliyaha xoogaga isbaheysiga ee uu Mareykanka hogaamiyo ee dagaalka kula jira kooxda Daacish Gen. Stephen Townsend ayaa ku amaanay ciidamada Ciraq guusha kama danbeysta ah ee ay kasoo hooyeen magaalada Tal Afar. Howlgalka magaalada Tal Afar oo 80-km dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Mosul ayaa bilowday 20-ki bishi August ee aanu kasoo gudubnay.   Wasiir Xoosh ayaa ugu horeeyn ka warbixiyay waxqabadka Wasaaradda isaga oo sheegay in hawl badan la qabtay. Muqdisho 1da Sebteembar 2017 Ugu horeeyn markii aan Wasaaradda la wareegnay waxa aan go’aansanay inaan Dastuurka dhameeystirno, kadib waxaan u baahanay inaan Qorshe sameeysano inaga oo ka talagelinayna qaybaha kala duwan ee bulshada, waxa aan la kulannay Wasiirada dawlad goboleedyada ee aan shaqo wadaaga nahay oo aan qaarkood ugu tagnay caasimadaha dawlad goboleedyada. Hadaba intaa kadib ayaan Qorshe sameeysanay waxa aana u gudbinay Ra’iisul Wasaaraha, waxa aana qaban-qaabineynaa shirweyne Qaran oo aan October qabaneyno si loogu ansixiyo Qorshaha Guud” ayuu yiri Wasiirka. Dhanka kale, Wasiir Xoosh ayaa yiri “Nidaamka aan qaadanay waa Federal, marnaba ma dhaceyso in Wasaaradda keligeed ay wax iska sameeyso, laakiin waxaan geleynaa sanad wadahadal ah oo aan ku kala cadeeyn doonno summadaha Federalka ee aan ku dhaqmi doonno; D/Goboleedyada door wayn ayey kulahaan doonaan dib-u-eegista Dastuurka”. Ugu dambayn, Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradda ay ka go’antahay sameeynta wadatashiyo badan iyo xaqiijinta ka qaybgal loo dhanyahay si dastuurka loogu dhameeystiro labo sanno gudahood. Maamul Puntland 1da Sebteembar 2017 Xubin kamid ah madaxtooyada Maamulka puntland Laguna magacaabo quraan jecel ayaa sheegay in Hawada Madaarka Buuhoodle ay maamusho Puntland Islamarkaana Hanjabada Somaliland Ay tahay hal Bacaad lagu lisay. Ummadda Islaamka Adduunka Sebteembar 2017 Ummada islaamka ayaa maanta u dabaal degaya maainta koowaad ee Ciidul Adxaa, maadaama shalay Malaayiin Xujey ah ay u istaageen Banka Carafo kadib markii ay soo guteen Acmaasha Xajka. Dadka Muslimiinta ah ayaa maanta iyaga oo xiran dhar cusub oo aad u qurxoon waxa ay isugu imaanayaan Masaajidada iyo Barxadaha waa weyn halkaasi oo ay ku dukanayaan labada rakac ee salaada Ciida. Magaalada Muqdisho sidoo kale waxa ay ka mid tahay goobaha maanta sida weyn looga dabaaldegayo maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa, waxaana goobaha loo dalxiis tago isugu imaanaya shacab aad u fara badan. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Ra’iisul Wasaaraha dalka iyo masuuliyiin kale oo Dowladda ka tirsan ayaa la filayaa boqolaal shacab ah salaada Ciida ay kula tukadaan Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee Muqdisho. Sidoo kale Madaxda maamul goboleedyada ayaa shacabkooda waxa ay salaada Ciida kula tukanayaan Masaajidada iyo Barxadaha waa weyn ee magaalooyinkooda. https://www.youtube.com/watch?v=RoLjILqMS_s WARARKA MAANTA 31ka Agoosto 2017 Sir Culus Kenya 1ka Agoosto 2017Inta la xaqiijiyay Saddex qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday kadib markii gaarigii ay saarnaayeen ay miino kula qaraxday waddo ku dhow xuduudda Kenya ay la wadaagto Soomaaliya. Warkan waxaa warbaahinta gudaha ee dalka Kenya u xaqiijiyay sarkaal ka tirsan dowladda Kenya. “Baabuur Toyota ah oo ay saarnaayeen dhowr qof ayaa dul maray miino dhulka lagu aasay, deegaanka Nyongoro, waxaa halkaasi ku geeryootay Saddex qof.” Ayuu yiri Gilbert Kitiyo oo ah madax degaanka Lamu, oo taleefoon kula hadlay wakaaladda wararka Reuters. Ururka Al-Shabaab ayaa marar badan degaanka ka fulisay weeraro iyo qaraxyo, waxayna sheegeen inay sii wadi doonaan inta ay ciidamada Kenya ku sugan yihiin gudaha dalka Soomaaliya. Qaraxan ayaa ah midkii Shanaad oo noociisa ah oo muddo Saddex bilood ah ka dhaca degaanka.

Kenya 31ka Agoosto 2017 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax lala eegtay kolanyo gadiid ah oo ay la socdeen ciidamada  AMISOM kuwaa oo maraayey mid ka mid ah xaafadaha degmada af-Gooye ee gobalka shabeelada hoose. Qaraxaan oo Ahaa kuwa meelaha fog fog laga hago ayaa waxaa laga maqlay dhamaan xaafada degmada Af-Gooye ee gobalka shabeelada hoose. Goobjoogayaal  ka ag dhawaa halka qaraxa uu ka dhacay ayaa sheegay in qaraxa aysan waxyeelo kasoo gaarin dad Rayid ah waxeyna ka gaabsadeen  khasaaraha soo gaaray ciidamada AMISOM ee la bartilmaameedsaday, Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in ay xireen jidadka soo gala goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana la maqlay risaas culus oo ay ciidamadu ridayeen. Warar lagu baahiyay Warbaahinta Xarakada AL-shabaab ayaa lagu shegay in Qaraxaas iyagu ay ka danbeeyeen uuna ku geeriyooday hal Askari halka tira kalana ay ku dhawacantay sida hadalka ay u dhigeen. Wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha hay’addaha amniga dowladda iyo kuwa AMISOM, ee ku sugan degmada Af-Gooye ee gobalka sh/hoose.

Muqdisho 31ka Agoosto 2017 Waxaa soo dhamaatay dhaarinta xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Kenya, xili wali maxkamadda sare ay ka socoto dacwad la xiriirta muranka doorashada xilka madaxweynenimada Kenya oo ay isku hayaan madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga.

Saakay dhaarinta waxa ay ka bilaabatay aqalka baarlamaanka, halkaas oo xilka la dhaariyay dhammaan 290 xildhibaan ee lasoo doortay iyo 47 dumarka ah ee laga soo doortay 47-da degmo ee Kenya iyo waliba 12-ka xildhibaan ee lasoo xulay sida uu qabo sharciga Kenya. Baarlamaanka aad ayuu uga duwanyahay baarlamaanadii hore, waxaana jira wajiyo badan oo ku cusub oo qaarkood xariiqay taariikh ku cusub dalka Kenya. Waxaa markii ugu horeysay baarlamaanka Kenya si toos ah loogu soo doortay 22 xildhibaan oo dumar ah oo rag inta la tartamay kaga guulaystay doorashada , 18 ka mid ah dumarkaas waxa ay u tahay markii koowaad oo lasoo doorto. Waxaa ka mid ah haweenay Soomaali ah oo laga soo doortay deegaanka Ijaaraa Safiya Nuur. Xildhibaanada Soomaalida ah ee iyagu markii ugu horeysay baarlamaanka soo galay waxaa ka mid ah Bashiir Cabdullaahi oo laga soo doortay Waqooyiga Mandhera, Aadan Qalooshe oo laga soo doortay galbeedka Wajeer iyo Cabdiqaadir Cusmaan oo laga soo doortay deegaanka Faafi ee Gaarisa, waxana ay u warameen wariyaha BBC-da Bashka Jug Soo dhacay, waxayna sheegeen in ay ku faraxsanyihiin xilkooda cusub.

Xildhibaan Aadan Qaloshe, Galbeedka Wajeer.

Waxaa kale oo taariikh xariiqay wiil 23 jir ah oo magaciisu yahay John Paul Mwirigi oo noqday xildhibaankii ugu da’da yaraa baarlamaanka Kenya. Wariyihii caanka ah ee xagga dabogalka Maxamed Cali ayaa isna ka mid ah xildhibaanada maanta la dhaariyay. Xisbiga talada haya ee Jubillee ayaa kursiga hoggaamiyaha aqlabiyadda usoo sharaxay markale Aadan Barre Ducaale oo laga soo doorto magaalada Gaarisa. Guddoomiyaha ururka xoogga badan ee macalimiinta Kenya Wilson Sossion ayaa ka mid noqday baarlamaanka Kenya kadib markii uu soo magacaabay xisbiga ODM ee Raila Odinga oo qoondo ku lahaa xildhibaanada 12-ka ah ee aqalka loosoo magacaabayo. Sidoo kale waxaa baarlamaanka ka mid ah noqdey Baba Owino oo ahaa guddoomiyihii ardayda Kenya oo isaga lasoo doortay isaga oo kusoo galay xisbiga ODM. Aqalka kale ee baarlamaanka Kenya ee Sanate-ka ama Aqalka Sare ayaa isna maanta la dhaariyay xildhibaanada oo ka kooban 47 xildhibaan oo laga soo doortay 47-da degmo ee Kenya, 12 dumar ah oo lasoo magacaabay , 2 xubnood oo dhalinyarada loo qoondeeyay iyo 2 loo qoondeeyay dadka naafada ah. Dhaarinta kadib aqalka ayaa galay doorashada guddoomiyaha iyo ku xigeenadiisa oo uu sharciga ogolyahay in xitaa ay banaanka kai man karaan. Kursiga guddoomiyaha Aqalka waxaa si adag ugu tartamay Ken Lusaka oo horey xilkan usoo qabtay iyo Faarax Macalin oo horey usoo noqday guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka, labadooduba kama mid ahan xildhibaanada aqalkan. Codbixinta kadib Lusaka waxa uu heley 40 cod, halka Faarax uu helay 23 cod, sidaasina waxa ay guushu ku raacday Ken Lusaka. Muqdisho 31ka Agoosto 2017Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida Iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa sheegay hawlgalka xasilinta in la gaarsiinayo Gobolada dalka Soomaaliya. Sanbaloolshe ayaa sheegay qorshaha inuu yahay in hawlgalka xasilinta in lagu ballaariyo Gobolada Shabeellaha hoose iyo Shabeellaha Dhexe oo Magaalada Muqdisho daris la’ah. Wuxuu tilmaamay hadda inuu socdo tababarida ciidamadii loo diyaarin lahaa qorshahaasi oo bilaha soo socda lagu dhaqaaqi doono, si nabad waarta loogu soo dabaalo ammaanka labadaasi Gobol oo Muqdisho daris la’ah. Taliyaha Nabad Suggida ayaa sidoo kale sheegay in la saxaayo qaladaad ka jira hanaanka ciidamada xasilinta gaadiidka shaqsiyaadka wata aqoonsiyada ay u waydiiyaan, taasi oo ah kaliya in qofka uu wato aqoonsi Dowladeed, iyadoo dadka dowladda u shaqeeya iyo kuwa ka madax banaan ay badan yihiin kuwa ka madax banaan Dowladda. Magaalada Muqdisho, ayaa tan iyo markii laga sameeyay qorshaha ku aadan xasilinta caasimada, Magaalada waxaa laga dareemay amni buuxa oo ku aadan inay yaraaden dilalkii ka dhici jiray Magaalada gudaheeda.

Muqdisho 31ka Agoosto 2017 Ra’isul wasaaraha  Ethopia Hailemariam Desalegn ayaa ka codsaday madaxda gobalka geeska Africa in si dhaw ugu shaqeeyaan xasiloonida iyo nabadeenta gudaha dalka soomaaliya iyo sidoo kale gobalka. Ra’isul wasaaraha ethopia ayaa hadalkan jeediyay xili kulan arimahaaasi ku saabsan ay ku wada qaateen magaalada Addis Ababa David Muhaazi oo ah ergayga gaarka u ah madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni. Desalegn Iyo  Muhoozi  ayaa sidoo kale ka hadlay arimo kala duwan oo diirada ay ku saareen iskaashiga dagaalka ka dhanka ah waxa loogu argagixisada sida lagu yiri war saxaafadeed ka soobaxay xafiiska  ra’isul wasaaraha ethopia  Hailemariam Desalegn Desalegn ayaa ka digay taageerad  beesha caalamka ee ku aadan howlgalka nabad ilaalinta midowga Africa ee soomaaliya oo uu tilmaamaay in ay tahay mid aan ku filneen. Marka la eegayo xasaanada Ra’isul wasaaraha Ehopia wuxuu mas’uuliyadiisu tahaay in uu codkiisa uu ku miijiyo walaaca beeesha calamka ee quseeya xaalada amaaan ee gobalka iyo Midda Qaarada Africa.
Muqdisho 1ka Agoosto 2017 Iyadoo maalinta Berito ah ay ku beegantahay Ciida Carafa ayaa suuqyada xoolaha lagu iibiyo laga dareemayaa mashquul iyo u diyaar garoow xoogan oo looo diyaar garoobayo maalinta berita ah. Aalaaba mashquulkaan iyo u diyaar garoowgaan oo kale ayaa suuqyada xoolaha laga dareemaa hadahaan oo kale sanadkiiba mar, waxaana siyaada khiimaha xoolaha lagu kala iibsado.

Iyadoo maalinta Berito ah ay ku beegantahay Ciida Carafa ayaa suuqyada xoolaha lagu iibiyo laga dareemayaa mashquul iyo u diyaar garoow xoogan oo looo diyaar garoobayo maalinta berita ah. Aalaaba mashquulkaan iyo u diyaar garoowgaan oo kale ayaa suuqyada xoolaha laga dareemaa hadahaan oo kale sanadkiiba mar, waxaana siyaada khiimaha xoolaha lagu kala iibsado. Muqdisho 1ka Agoosto 2017 Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in aysan cidna dhihin Wasiirada lama hadli karaan Warbaahinta, balse loo baahan yahay marka laga hadlayo arrimo xasaasi ah in la wadatashado.

Wuxuu sheegay Khayre Wasiirada in ay ka hadli karaan arrimaha la xiriira Wasaaradahooda, balse muhiim ay tahay marka ay doonayaan in ay ka hadlaan arrimo kale in si wadajir ah looga wadatashado, maadaama masiirka dalka laga hadlayo. Khayre ayaa hadalkan ka sheegay kadib kulan loogu magac daray Xukuumadda iyo Saxaafadda oo xalay ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya, kaasi oo su’aalo lagu weydiinayay Ra’iisul Wasaaraha iyo qaar ka tirsan Wasiiradiisa. “Cidna ma dhihin Wasiirada warbaahinta lama hadli karaan, laakiin hadii ay arrintu tahay mid meelo kala duwan galeysa in loo baahan yahay in la wadatashado, maadaama laga hadlayo masiirka dalka.” Ayuu yiri Khayre. Arrinta la xiriirta in Wasiirada ay soo maraan xafiiska Ra’iisul Wasraaha marka ay doonayaan in ay ka hadlaan arrimo xasaasi ah, ayaa waxa ay timid, kadib markii dhacdadii Bariire Wasiiro ka tirsan xukuumadda ay uga hadleen siyaabo kala duwan, dhacdadana ay aheyd mid qura.

Muqdisho 1ka Agoosto 2017 Shaqo, wax qabad, hufnaan, karti iyo hal-abuur ayaa la isku dhaafay, guushu iskama dhalato balse waxay ku timaadaa aqoon, dhiiranaan, dadaal, daacadnimo iyo in dhaxda loo xerto adeeg kasta oo la qabanayo, marna la isma garab dego, dad ma wada sinaan karo, adduun waa isdaba maal. Dad baa hibo u leh inay ka mira dhaliyaan shaqooyinka loo xil saaro hase yeeshee waa fara ku tiris inta ku najaxda hadba hawsha lagu aamino, Madaxda Soomaaliyeed ee waqtigaan ku aflaxday shaqadii ay Qarankooda u hayeen waxaa tusaale wacan u ah masuulkii dhaliyay horumarka ay ku talaabsatey Wasaradda Arimaha Gudaha iyo Federaalka. Waa cusub ayaa u baryay Wasaaraddaasi xilligii loo magaacabay Prof. Yaxyre Cali Hareeri inuu ka noqdo Xoghayaha Joogatda ah, juhdi iyo dadaal aad u balaaran ayuu u galay sidii ay Wasaaraddu u sameyn laheyd isbadal iyo horumar la arki karo, hal–abuur, aqoon, xilkasnimo iyo waaya aragnimo ayuu la yimid, muddo kooban ayay Wasaaraddu sameysay hore-u-kac lixaad leh. Dhismaha Dawlad Goboleedyadii Galmudug iyo Hirshabeelle, maataaneynta Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo dhigeeda Maamul Goboleedyada, baahinta maamulka Dawladaha Hoose, wax ka qabashada Abaaraha Wadanka, nooleynta maamulka Magaalada Muqdisho, is fahamsiinta beesha caalamka iyo madaxda Qaranka, suurta galinta Shirweynihii Dib-u-Heshiisiinta ee lagu qabtay Muqdisho iyo qorshayaal kale oo lagu guuleystay ayuu saldhig u ahaa Prof. Yaxye Cali intiii uu Wasaaradda ka ahaa Xoghayaha Joogtada ah. Xaq-soor, sinaan iyo in ruux kasta uu helo xaqiisa ayuu ka shaqeeyay, ul iyo diirkeed ayuu ka dhigay shaqaalihii kala daadsanaa, shucuur, shaqo jaceyl iyo isku kalsoonaan ayuu ku beerey shaqsi kasta, hab dhaqan aad loo jecleystay oo ku dhisan isla xisaabtan iyo daah furnaan ayuu soo kordhiyay, heegan ayuu saacad kasta u ahaa sidii loo gaari lahaa yoolalkii la hiiigsaneyay. Daacadnimo, hufnaan, iyo xilkasnimo ayuu ku kala maareyn jirey shaqooyinka horyaalo, geesi iyo halyey inuu ahaa ayaa la rumeysan yahay, haddii uu jiryo cid la ciseeyo isagu wuxuu ahaa midka loo ciseynta badan yahay, xusuus ahaan waxaa lagu xusuusan doonaa maamul wanaag, go’aan qaadasho sax ah, caddaalad, saafinimo, codkarnimo, dhiiri galinta shaqaalaha, u dhaga nuglaanta dadka taagta daran iyo xal u raadinta arin walba oo lagu kala aragti duwan yahay. Muran kama taagna inuu Prof. Yaxye ahaa masuulkii ugu saameynta balaarnaa Wasaaradda Arimaha Gudaha, xaqiiqdii mutacalimkaasi si cad ayuu uga soo dhalaaley xilkii loo igmadey, wey adag tahay in la helo ruug cadaa buuxin kara booskii uu banneeyay Xoghayihii Hore, la yaab iyo hal-xiraale ayay ku noqotay guud ahaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan bahda Wasaaradda markii ay war heleen in la badalay aqoonyahankii u kacay Wasaaradooda. Fekarado aad isugu dhaw-dhaw ayay dadku ka bixiyeen arintaasi, isbadalkaasi in lagu deg-degay ayaa la isugu raacay, maalin madow ayay uga dhigneyd shaqaalaha Arimaha Gudaha badalkii lagu sameeyay Xoghayihii Wasaaradooda, Taariiqda ayaa ka marqaati kacaysa mustawihii uu gaarsiiyay Yaxye Cali Wasaaradda Arimaha Gudaha, amaan, bogaadin iyo hambalyo ayuu ku muteystay, mar haddi uu yahay Guuleyste Wanaagsan waxa haboon in lagu abaal mariyo Wasiir iyo Darajo kasta oo Wadanka loogu adeegayo. Muqdisho 1ka Agoosto 2017 Shaqaalaha dowlada oo la.murugsanaa sida ay u ciidi lahayeen iyaga iyo Caruurtooda ayaa mur qur ah Farxad laga dareemay taa oo keentay  in Mur qur ah jawigooda ku yimaado isbadal. Farxada shaqaalaha ayaa timid xili ay dhaqaalo xuma heysatay dhanka dhaqaalaha iyagoona oo wal wal xoogan haayey sida ay noloshooda ku maareyn la hayeen maalinta ciida oo maalinta bari kubbeegan xili danbe  ee Caawa ayaa mar qur ah isbadalay jawiga shaqaalaha Dowlada Federaalka Soomaaliya   taa oo laga dheehan karay wajiyadooda Shaqaalaha oo  Caawa ka war helay in akoomadooda ugu soo dhacdo Musharaadkooda ayaa  ka farxisay dhamaan ciidamada kala duwan ee dowlada iyo shaqaalaha Hal ku dhiga shaqaalaha Caawa ayaa ahaa Ra iisal wasaare Khere waa qeyreysan yahay  allaha  dhowro waa naga farxiyee cili muruga la taaheynay

Muqdisho 1ka Agoosto 2017 Dowladda Ethiopia ayaa markii ugu horreysay xaqiijisay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay u soo gacan galisay sarkaal ka tirsanaa ururka ONLF oo toddobaadkii hore la sheegay in lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Dr. NEGERI Lencho, wasiirka arrimaha warbaahinta dowladda Ethiopia ayaa wareysi uu siiyay qeybta Afka Amxaariga ee idaacadda VOA ku sheegay in dowladda Somalia ay usoo gacan galisay Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax)oo ka tirsanaa ururka ONLF ee dagaalka lagula jirta dowladda Ethopia. “Waxaan kuu xaqijiyay in Ethiopia loo soo gudbiyay sarkaalka ONLF ka tirsan, waxaana soo gudbinta ay ku dhacday heshiis nagala dhaxeeya dowladda Somalia. Mas’uulkan wuxuu ka tirsan yahay ururka ONLF oo ah urur argagixiso ah” ayuu yiri Dr. NEGERI Lencho. Dowladda Soomaliya ayaan dhankeeda war kasoo saarin arinnta Qalbi Dhagax, inkastoo xalay Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed ee Nisa C/laahi Maxamed Cali Sambaloolshe uu sheegay in arintaas ay tahay mid xasaasi ah islamarkaana isaga uu dowladda afduubtay.
Muqdisho 1ka Agoosto 2017 Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyada ciidda barakaysan ee Al-Adxaa. Madaxweyne Famaajo waxa uu Alle uga rajeeyey shacabka Soomaaliyeed meel kasta ay ku sugan yihiin, caafimaad, horomar iyo barwaaqo, isagoo sheegay in arrimahaas lagu gaari karo xasilooni Amni oo si dhammaystiran uga hirgasha guud ahaan dalka. “Maalmaha Ciidul Adxaaga waa maalmo kuwayn diinteena Islaamka, waa maalmo astaan u ah isjacaylka iyo walaaltinimada bulshadeenna. waa maalmo muujiya dareenka dhabta ah ee aynu isu qabno.”ayuu yiri Madaxweynuhu. Madaxweynha waxa uu sii wayn  ugu muujiyey dhambaalka hambalyada ciidda ee uu u diray shacabka Soomaaliyeed ahmiyadda ay nabadda iyo amnigu u leeyihiin umadda, maadaama haatan si wayn looga soo kabtay dhibkii bur burka. Madaxweynaha ayaa yiri:  “haddii aan anagu masuuliyiintii nahay waxaanu u istaagnay in aan ka shaqayno amniga, qof kasta oo Soomaali ahna waxaan ka doonaynaa in uu nagala shaqeeyo, maxaa yeelay cadawga aan leenahy hadda waa kooxaha nabad diidka ah oo u diiday Soomaaliya horomar” Ugu dambeyntii Madaxweyne Farmaajo waxa uu tilmaamay dadaalka dowladdu ay ugu jirto xasilinta dalka, isagoona rajo ka muujiyey in Soomaaliya oo Nabad dhamaystiran ay ka jirto lagu ciido sanadka soo socda.
Jarmalka 1ka Agoosto 2017 Wasaaradda Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee Dowladda Federalka Jarmalka (BMZ) ayaa sheegtay inay 25.85 million oo Dollar ugu deeqday Maamulka Puntland, UNICEF iyo Hay’adaha ay wada-shaqeynta leeyihiin. Lacagahaasi ayaa la sheegay in lagu sii wadi doono Hawlaha Isku-xirka Caafimaadka`iyo Barnaamijka Nafaqeynta, kaasi oo dhamaaday sannadkii hore. Ku-xigeenka Safiirka Jarmalka u jooga Somalia,

Markus Bollmohr waxa uu sheegay inay ka walaacsan yihiin xaalladda caafimaadka ee dadka ku nool Puntland, gaar ahaan Haweenka iyo Carruurta. Waxa uu tilmaamay in Iskaashiga Dowladda Jarmalka ka geysanayso arrintaasi lagu badbaadin karo nolosha dad badan oo ku nool Somalia, gaar ahaan  Deegaanadda Puntland. Si kastaba ha ahaatee, Kharajka ayHay’adda Dowladda Jarmalka ugu qaabilsan Horumarinta Iskaashiga ku deeqday ayaa la sheegay in la soo marsiin doono Bangiga Horumarinta ee KfW Development Bank.. https://www.voasomali.com/a/4009952.html WARARKA MAANTA 30ka Agoosto 2017 Sir Culus Su’aalaha Maanta:Maxay tahay sababta uu Raysal Wasaare Ku-xigeenka Mahdi Maxamed u amaray in Dowladda Itoobiya lagu wareejiyo Taliyaha Jabhadda Dib-U Xoraynta Ogadeeniya kaasoo ay diideen Maamulka Galmudug inay u diibaan Itoobiya? Maxay tahay sababta Wasiirka Warfaafinta uu si hoos hoos ah ula dhacayaa dhaqaallo uu Bangiga Adduunka ugu tallogalay Ummadda Soomaaliyeed? Yaase raba inau weli ku sii dhacaan magaca Ummadda Soomaaliyeed 1991dii ilaa iyo hadda sida Hay’adda UNDP-Somalia Iyo Bangiga Adduunka “World Bank? Yaa qarin kara runta iyo musuqmaasuqa baahsan ee ay ka wada shaqaynayaa Wasiirka Warfaafinta Iyo labada hay’addood ee Soomaaliya ka dhigtay meel ay wax ku xadaan isla-markaasna aan la la xisaabtamin. Maxay Hay’adda IOM ka qabanaysaa gudaha Soomaaliya? Sida la wada ogyahay Hay’adda IOM waxay ka shaqaysaa arrimaha socdaalk adduunka balse ma aragteen wax mashaariic ah oo ay Ummadda Soomaaliyeed wax ugu qabtaan? Ma run baa inay Dowladda Wada Dadban u gudbisay Madaxii Ururka Jabhadda Xoraynta ee Ogadenia dowladda Itoobiya? Muqdisho 30ka Agoosto 2017 Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre oo shaaciyey inuusan la shaqayn karin Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo markasta fashilay qorshayaasha ay xukuummadda soo dejinayso. Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre oo sheegay inuu Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo uusan hadda rabin sidii loo dardar galin lahaa hawlaha horyaala xukuummadda haddii uusan wax ka baddelin siyaasaddiisa. Muqdisho 30ka Agoosto 2017 Guddoomiyaha Degmada Awdheegle ee Dowladda Soomaaliya ayaa soo saaray waraaq uu ku faahfaahinayo natiijada maamulka uga soo baxday baaristii ay ku sameeyeen weerarkii dhawaan ka dhacay degmadaas. Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay waxyaabo badan oo ku saabsan dadkii la laayey, isagoo sheegay inay dadkaas ahaayeen dad hubeysan oo naftooda iyo maalkooda difaacanayey iyagoo ka cabsanayey beelo kale. Dhanka kale Guddigii Dowladda Soomaliya u magacowday arintaas ayaa maanta oo Arbacaha ah laga sugayaa in ay soo bandhigaan Natiijadda baaritaanka weerarkii lagu laayay shacab Soomaliyeed ee ka dhacay deegaanka bariire ee Gobolka Shabeelaha hoose. Muqdisho 30ka Agoosto 2017 Muddo sanada ahba waxaa qiimaheedu sii dhimanayay lacagta shilin Soomaaliiga taasoo jahwareer gelisay suuqyada ganacsiga. Bilooyinki ugu danbeeyey qaar ka mid ah gobolada dhexe iyo kuwa bari ee Soomaaliya ayaa waxaa aad u saameeyey lacago been abuur ah taasoo dhaawacday suuqyada ganacsiga. Haddaba arrimahaan oo dhan sideey u saameyn karaan dhaqaalaha dalka. Sahra Abdi Ahmed ayaa ka wareystay madaxa Machadka Cilmibaarista Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada Geeska Africa, Dr. Ali Isse Abdi. Wararka ka imaanaya deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya inay ka jirto xiisad dagaal oo u dhaxeysa maleeshiyo deegaanka ah iyo kuwa Ahlusuna, kuwaasoo maalmihii la soo dhaafay ku dagaalamayay gacan ku heynta deegaanka. Muqdisho 30ka Agoosto 2017 Dhaq dhaqaaqyo ciidan oo iska soo hor-jeeda ayay labada dhinac ka wadaan gudaha iyo duleedyada, iyadoo Ahlusuna ay ciidamo fara badan oo duulaan ku ah u dirtay deegaanka, si ay weerar rogaal celin ah ugu qaadaan. Guddoomiyaha deegaanka Xeraale ee Maamulka Galmudug Bashiir Daahir Dhagabadan ayaa sheegay in Ciidamo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ay Ahlusuna geysay duleedka Xeraale, ayna doonayaan inay dib ula wareegaan. Dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay deegaankaas ayaa waxaa ku dhintay dad fara badan, waxaana deegaanka ka barakacay boqolaal qoys, waxaana mar kale jirta cabsi laga qabo in mar kale dagaalo dib uga bilowdaan. Maamulka Galmudug ayaa ugu baaqay labada dhinac inay dagaalka joojiyaan, waxaana jiray baaqyo dowladda Federaalka horay ugu jeedisay dhinacyada ku dagaalamaya deegaankaas inay joojiyaan.   Gudoonka Sare ee Barlamanka HirShabelle, ayaa ka warbixiya diyaar-garowga Doorashada Madaxweynaha cusub, ee maamulkaasi, oo la filayo inay dhacdo maalmaha food inagu soo hayo. Afhayeenka Barlamanka, Sheekh Cismaan Barre Maxamed oo la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in doorashadda Madaxweynaha ay ku dhici doonto si Xur iyo Caddaalad ah oo lagu qanci doono. Wuxuu tilmaamay inay magacaabeen Gudi Doorasho oo 9 Xubnood ka kooban, kaasi oo ay u xilsaareen diyaarinta iyo maamulka Doorashada, iyadoo uu Barlamankana dusha kala socon doono howshiisa. Hirshabelle State 30ka Agoosto 2017 Doorashada ayaa la filayaa inay dhacdo billowga bisha September, Ciida Carafo kadib, balse arinta sida la hadal hayo ayaa ah in Kursiga ay u tartami karaan oo kaliya Murashaxiin kasoo jeeda beesha Xawaadle. Dastuurka maamulka HirShabelle ayaa dhigaya in mudo 30 cisho gudahood ah lagu doonayo in maamulka uu yeesho Madaxweyne cusub. Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka HirShabeelle, ayaa bartamihii bishan kalsoonida kala noqday Madaxweynihii Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble, kadib markii ay ku eedeeyeen Xil-gudasho la’aan. Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa wali diidan xilka qaadistii lagu sameeyay, iyadoo xitaa ay dowladda ay taageertay Go’aanka Xildhibaanada HirShabelle, wuxuuna kulamo kawadaa magaalada Beledweyne. Muqdisho 30ka Agoosto 2017 Guddoomiyaha degmada Yaqshiid ee maamulka Gobolka Banaadir Axmed Xasan Geedow oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada amaanka gacanta kusoo dhigeen labo nin oo ku eedeesnaa dilka Gudoomiyihii gobolka Galgaduud iyo nin la dhashay. Geedow ayaa sheegay in ragan lasoo qabtay ay ku tuhmayaan in ay xubno ka yihiin kooxda Al Shabaab ayna ka dambeeyeen dilka Degmada Yaqshiid loogu geestay afartii bishan Guddoomiyihii Gobolka Galgaduud Maxamed Shiikh Cali Cilmi iyo walaalkiis Eng. Xasan Shiikh Cilmi. Gudoomiyaha ayaa xusay in ragan lasoo qabtay ku wareejiyeen laamaha amaanka ayna ku socdaan baaritaano dheeraad, waxa uuna inaa raaciyay in sidoo kale degmadiisa kasoo qabteen rag iyana falal kale amaanka lidi ku ah lagu tihmayo. Ugu dambeyn Gudoomiyaha Yaqshiid ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan degmadiisa in ay keenaan xogta raga Shabaab katirsan ee dilalka ka geesta Degmada Yaqshiid, waxa uuna dadka uga digay in ay qariyaan dadka dhibaatada dhaxdooda ku geesta. Maamulka Hirshabeelle 30ka Agoosto 2017 Madaxweyne Mudane Cali C/llaahi Cosoble ayaa yiri “Hadii Shabaab meel qabsadaan waalooga guuraa, Anagane Jowhar waxaan ugu guurnay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo dulmi cad nagu sameysay, Dowladda waxay dulmisaa Maamul goboleedyada Cagahooda isku taagay”. Madaxweynihii Baarlamaanka Xilka ka qaadeen ee Hir-Shabeelle ayaa sheegay in uu hayo Cadeemo Cad oo Muujinayo in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu soo abaabulay Mooshinkii ka dhanka ahaa, waxa uuna sheegay in howlaha shaqo uu u wareejiyey Magaalada Balad weyne. Cali C/llaahi Cusub ayaa Odoyaasha dhaqanka Hiiraan ka codsaday in ay la shaqeeyaan, maadaama uu sheegayo in ay dulmisay Dowladda federaalka. Waxaa lagu wadaa in uu la kulmo odoyaasha dhaqanka ee beesha uu kasoo jeedo si uu ugu sheego in ay u yeeraan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka iyo Kuwa Maamulka Hir-Shabeelle.   sagoo hadlayay ka dib markii uu soo booqday dhismaha Wasaaradda, ayaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenku wuxuu sheegay in tallaabadani ay si weyn kor ugu qaadi doonto wax-soo-saarka iyo niyadda shaqaalaha, isla markaasna suurtogelin karta isla xisaabtan buuxa. Waa markii ugu horreysay ee dhismaha Wasaaradda ay si buuxda ugu shaqeeyaan mas’uuliyiinta Wasaaradda tan iyo markii ay burburtay dawladdii dhexe 1991-kii. Laga soo billaabo 2014-kii markii la kala jaray wasaraadihii warfaafinta iyo boostada iyo isgaarsiinta, madaxdii ugu sarreysay ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, sida wasiirka, ku-xigeenka iyo agaasimaha guud waxay xafiisyo ku lahaayeen dhismaha Wasaaradda Warfaafinta ee agagaarka madaxtooyada, halka shaqaalaha intooda kale ay ku hawl-galayeen dhismihii rasmiga ahaa oo ku yaalla degmada Boondheere. Muqdisho 30ka Agoosto 2017 Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta Oo Xarun Ka furatay Muqdisho.. Hase yeeshee, markii ay soo gabagaboobeen waxyaabo ka dhinnaa dhismaha oo la sameeyay bilihii la soo dhaafay, waxaa la soo xiray xafiisyadii kale, iyadoo madaxda wasaaraddu ay si rasmi ah ugu shaqo billaabeen xaruntii ay Wasaaraddu lahayd. Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan ayaa sheegay in aysan suurto geli karin fulinta qorshe-hawleedka Wasaaradda haddii aysan masuuliyiinta Wasaaradda iyo shaqaaluhu ku wada shaqeynin hal meel, isaga oo sidoo kale ka mahadceliyey martigelinta Wasaaradda Warfaafinta ee muddadaas dheer. “Guuritaanka rasmiga ah ee madaxda wasaaradda iyo xiritaanka xafiisyadii kale waxay muujinayaan sida ay nooga go’an tahay inaan dalkeena iyo dadkeena u adeegno. Waxaan aaminsanahay inaan shaqo wanaagsan la qaban karin haddii maamulka sare iyo shaqaaluhu aysan isku meel ku shaqeyneynin, waayo ma jiri karaan wada-shaqeyn iyo isla-xisaabtan” ayuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyay wasiirka. Muqdisho 30ka Agoosto 2017 Suxufi Daahir Calasoow oo wax badan kashifay: https://www.youtube.com/watch?v=MsRv5WBFd0c WARARKA MAANTA 28KA Agoosto 2017 Sir Culus Musuqmaasuq, kufsi, argagixiso iyo dilka dad rayidka ah oo aan waxba galabsan iyo kala hadal been loo wada sheegaayo Ummadda Soomaaliyeed! Su’aalaha Maanta: Ma jirtaa inuu Madaxa dalka ugu sareeye kufsaday gabar hadda xildhibaan ka ah aqalka hoose taasoo horayna u soo ahayd xildhibaannad oo uu dhalay abwaan caan ah? Ma jirtaa inuu Wasiirka Warfaafinta kufsaday gabar Maraykanka ah? Ma Jirtaa Wasiirka Dastuurka inuu ku kufsaday gabar magaalada San Diego California? Maxay tahay sababta uu Madaxweyne Ku-Xigeenka Maamul Gobaleedka Puntland Cabdixakiin Cameey u casilay Taliyaha Booliska Maamulka Gobaleedka Puntland Janaraal Cabdiqaadir Shire Erag? Maxaadse ka ogtahay inuu Madaxweyne Ku-Xigeenka Maamul Gobaleedka Puntland Cabdixakiin Cameey uu ka soo cararay dalka Maraykanka kadib markii uu bixin waayey lacagaha la siiyo caruurta aan dhashay ee loo yaqaano afka-qalaad “Child Support? Ceeb waxaa ah dadka ka dhigtay Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Puntland nin xitaa ka soo cararay inuu bixiyo biilkii uu siin lahaa caruurtiisa? Agaasimaha Guud oo wacad ku maray inuu kashifi doono dad badan oo dalka dembiyo ka soo galay iyo ku dembiyo waa weyn ku galay dibaddaba toddobaadada soo socda ayagoo si toos ah loo soo dayn doono markhaatiyadii iyo dadkii goob jooga u ahaa dhacdooyin badan. Maamul Gobaleedka Puntland 28KA Agoosto 2017 Wareegto kasoo baxday madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha, Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa shaqadii looga joojiyay taliyihii ciidamada Booliiska Puntland, Cabdulqaadir Farax Shire Ereg. Shaqo joojintan ayaa loo adeegsaday arrimo ay kamid ahayd inuu kasoo bixi waayay waajibaadkii loo igmaday. Waxaa lagu dhaliilay inuusan qaab wanaagsan u maamulin arrimaha la xariira howlaha ciidanka Booliiska oo faraha kula jiro shaqooyin kale. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in taliye Ereg shaqo fariisintiisa sabab u tahay sii daynta maxaabiis ku xirnaa xasbiyada Puntland oo galay dambiyo kala duwan inkastoo aysan ku jirin shakhsiyaad ku eedaysnaa Al-shabaab Tallaabadan ayaa timid xilli Madaxda Puntland dhowr jeer oo hore loo gudbiyay cabasho ka dhan ah shaqada taliyaha Booliiska. Shaqo fariisinta Taliyaha ciidamada Booliiska Puntland, ayaa kusoo aaday waqti Madaxweyne Gaas ku maqanyahay waddanka Sacuudiga isagoo u aaday inuu soo guto Acmaasha Xajka oo maalmo kooban inaga xigto. Maamulka Koonfur Galbeed 28KA Agoosto 2017 Ku simaha Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Xasan Fiqi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya laga doonaayo in ay kusoo wargeliso howlgallada laga fulinaayo degaanada maamulka Koonfur Galbeed. Waxaa uu sheegay howlgallo badan oo waxyeelo ay kasoo gaartay dad Shacab ah in laga fuliyay gobolka Shabeelaha Hoose. Fiqi ayaa sheegay Dowladda Federaalka iyo Ciidamada taageera in ay gacan ka siin doonaan howlgalka ka socda gobolka Shabeellaha Hoose, oo uu ka taliyo Koonfur Galbeed, si uu u yaraado khasaare soo gaara dadka shacabka ah. Dowladda Soomaaliya ayuu ugu baaqay in ay la shaqeyso maamulka Koonfur Galbeed, xilliyadda ay socdaan howlgallada ka dhanka ah dagaalyahanada Al-Shabaab. Waxaa uu xusay in Koonfur Galbeed dowladda Soomaaliya in ay uga aqoon badan tahay degaanada gobolka Shabeelaha Hoose,sidaas darteed ay haboon tahay in ay howlgallada hagaan. Hadalka kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed ayaa kusoo beegamaya xilli Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka 25-kii bishaan ay weerar ku qaadeen beer ku taalla degaanka Bariire, halkaasi oo ay ku dileen 10 qof oo shacab ah. Muqdisho 28KA Agoosto 2017 Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dib u eegis ay ku sameyn doonto Tayadda Waxbashadda Jaamacaddaha Faraha badan ee ku yaalla Magaalada Muqdisho. Wasiirka Wasaaradda Waxbashadda dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dib u eegis ay ku sameyn doonto Tayadda waxbarashadda si gaar ah Jaamacadaha. Wasiirka ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho ay ku yaallaan in ka badan 50 Jaamacadood oo badankood ay liitaan nidaamkooda Waxbarasho. Waxaa uu sheegay in aan la aqbali doonin in xarun waxbarasho oo aan buuxin shuruudihii laga rabay in ay ka furnaato Soomaaliya. ” Xamar keliya waxaa ku taalla in ka badan 50 Jaamacadood, qaarnood uma qalmaan Jaamacad sida ay inoo sheegeen dadka” ayuu yiri Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan. Wasaaradda waxbarashadda ayaa wata dadaallo xooggan oo laga hortagaayo xarumaha waxbarashadda ee laga iska furanaayo,kuwaa soo aan buuxinkarin shuruudihii laga rabay. Maraykanka 28KA Agoosto 2017 Ilaa 2,000 oo qof ayaa laga samata bixiyey daadad ku soo rogmaday magaalada Houston, iyada oo weli uu da’ayo mahiigaanka duufaanka Harvey oo mashaqeeyey gobolka Texas ee dalka Maraykanka. Wararka qaar ayaa sheegaya in ay suurto gal tahay in dad ku dhinteen baabuurta biyuhu qaadeen, laakiin weli waxa socda baadhitaannada samata bixinta ah, waxaana sidaa sheegay duqa degmada Harris County. Badhasaabka gobolka Texas, Greg Abbot, ayaa warbaahinta u sheegay in aanu ilaa haatan caddayn karin dad ku dhintay daadadkaas. Wakaaladda Saadaasha Hawada ayaa sheegtay in jawigu weli yahay mid aan “la saadaalin karin”. Waxaanay intaa ku dartay in daadadku sii xoogaysan doonaan oo aan gaadiid socon kari doonin. Waxa dadkii la samato bixiyey loo furay goobo hoy ah oo ay ka mid yahay garoon wayn oo shirarka lagu qabtaa. Badhasaabka gobolka ayaa sheegay in 250 waddo oo ku yaal gobolka Texas la xidhay isla markaana uu qaylo dhaan u diray dawladda federaalka ah si ay kaalmo ula soo gaadho 19 degmo oo gobolkaas ka mid ah oo madaxweyne Donald Trump deeq ugu yaboohay. “Waxaanu la daalaa dhacaynaa mashaqada roobabka ka da’aya saddex jiho oo ay meelaha uu ka da’ayona ka mid yihiin magaalooyinka Houston, Victoria iyo Corpus Chiristi” ayuu yidhi Abbott. Muqdisho 28KA Agoosto 2017 Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii loo horumarin lahaa adeegyada dhanka duulimaadyada ee dalka, iyo maamulka hawada Soomaaliya, maadaam haatan dalka uu dib uga soo kabsanayo saameyntii ka dhalatay burburkii 25 sano ka badan dalka uu kujiray. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Max’ed C/llaahi Salaad oo ka qeybgalay shir u dhexeeyey Wasiirada Duulista Africa iyo Bariga Dhexe, loogana hadlayay ammaanka dhanka duulista oo ka dhacay magaalada Sharma,Alsheekh ee Dalka Masar ayaa sheegey in guulo la taaban karo ay uga soo bexeen shirkaasi Soomaaliya. Wasiirka ayaa kulamo kaladuwan la yeeshey qaar kamid ah Wasiiradii ka qeybgalay shirkaasi oo ay kawad hadleen arrimaha laxiriira dhanka duulista, Sida wasiirka Duulista Hawada ee Dalka Masar, wuxuuna sheegey in siweyn loo soo dhaweeyey natiijooyin fiicana ay ka soo bexeen kulamadaasi. Wareysi gaar ah oo uu SONNA siiyay Axadii, Wasiirka ayaa waxaa uu ku faah faahiyay qorshaha ku aadan waqtiga rasmiga ah ee Dowladda Soomaaliya ay qorsheynayso in la bilaabo maamulka Hawada Soomaaliya. “Waxaa rajeynaynaa in hawada Soomaaliya marka ugu horeysay laga maamulidoono magaalada Muqdisho, Duulista hawada marka horeba iyadoo marka horeba aan aad u dhisnayn ayaa hadana dowladii bur burtay, marka hadda waxaan u baahanahay, in aanu helno shaqaale tababar fiican leh, markii ay soo laabtaana ay ka qeyb qaataan maamulka hawada Soomaaliya, sida aan qorsheynayno dhamaadka bisha October ayaa rajaynaynaa in ay bilaabato arrintaasi,balse way dhici kartaa dib u dhac oo maalmo ah, maadaama qalab badan la rakibayo”, Ayuu Yiri Wasiir Max’ed C//llaahi Salaad. Wasiirka ayaa sheegay in la dhameystiray adeegyadii looga baahnaa garoonka diyaaradah si loo helo duulimaadyada xiliyadii habeenkii, duulimaadyada shacabka iyo kuwa kaleba ay si isku mid ah u shaqeyn karaan, isagoo intaasi ku daray in ay jiraan shirkado la soo xiriirey si ay isku diwaan geliyaan adeegyada dhanka Duulimaadyada oo xiliyada habeenkii ah oo markii ugu horeysay laga hirgeliyay Garoonka Muqdisho. Muqdisho 28KA Agoosto 2017 aliyaha Ciidamada Maraykanka iyo NATO ee dalka Afghanistan , General John Nicholson, ayaa sheegay in dowlada Maraykanku ay ogtahay in hoggaamiyaha Taliban uu howlgalada ka soo qaado dalka Pakistan. Waxaa uu u sheegay kanaal telefishin oo Afhganistan laga leeyaha, Paksiatn in looga baahan yahay in ay wax ka qabato joogitaanka hoggaamiyaha Taliban ee magaalooyinka Quetta iyo Peshawar. Waxaa uu sheegay in arintaasi ay si gaar ah uga wada hadleen Washington iyo Islamabad. General Nicholson waxa uu wareysi faahfaahsan siinayey warbaahinta Afghanstan tan iyo markii uu madaxweyne Trump ku dhawaaqay istraatijiyadiisa cusub ee dalka Afghanistan todobaadkii tagay. Todobaadki hore, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in degdeg ku saaridda ciidanka dalkiisa ee ku sugan Afghanistan ay fursad siineyso ururada argagixisada ah. Waxa uu intaa ku daray in markii hore uu ka fekerayay in ciidamada Maraykanka uu gebi ahaanba ka saaro Afghanistan, balse aanu hadda rabin inuu sameeyo khalad la mid ah kii Ciraaq. Trump ayaa sheegay inuu ka weecanayo hannaanka waqtiga ku xiran, oo uu xoogga saarayo mid salka ku haya wax ka qabashada xaaladda Afghanistan inta ay doonta ha qaadatee. Maamulka Galmudug 28KA Agoosto 2017 Madaxweynaha maamulka Galmudug oo shalay gaaray degmada Galinsoor oo ka mid ah gobolka Galgaduud ayaa Shacabka halkaasi kunool ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii loo qaadi lahaa isbaarooyinka yaalla Galinsoor. Waxaa uu sheegay in dadka halkaasi kunool aysan dhibaato ka bixi doonin inta ay yaallaan Gelinsoor , isbaarooyinka. Waalidiinta dhalay dhalinyaradda Isbaaradda dhigtay ayuu ugu baaqay in ay wacyi gelin u sameeyaan,islamarkaana ay u sheegaan in ay isbaaradda ay joojiyaan. Ciidamada Ammaanka maamulka Galmudug ayaa bilihii lasoo dhaafay waday howlgallo culus oo lagu dagaallamayo Kooxaha Jidgooyooyinka digtay degaanada maamulka Galmudug. Caluula 28KA Agoosto 2017 Wararka ka imaanaya Magaalo Xeebeedka Caluula ee gobolka Gardafuu ee Puntland ayaa ku waramaya in diyaarad dagaal ay saakay deegaankaas duqeyn ka geysatay. Mid kamid ah dadka deegaanka Afkalahaye ee degmada Caluula oo la hadlay oo warbaahinta ayaa sheegay in diyaarad jawi hoose ku socotay ay duqeyn ka geysatay deegaanka islamarkaana uu jiro qasaaro soo gaaray xoolo ay lahaayeen dadka deegaankas. “Saakay Salaadii Subax diyaarad dagaal ayaa duqeysay deegaanka Afkalahaye ee degmada Caluula, dhawaqa rasaasta ay ridaysay ayaa laga maqlay deegaanka, goobta ay duqeysay ayaa ah goob ay ku sugnaayeen xoolo, waxaa jiro qasaaro soo gaaray xoolaha baaritaan ayaan wadnaa”, ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka. Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Maamul Goboleedka Puntland oo loogu hadlayo diyaaradda duqeysay degmada Caluula ee gobolka Gardafuu ee Puntland. Muqdisho 28KA Agoosto 2017 Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa maanta ku wajahan Guddiga xaqiiqa raadinta ee dowladdu ay u magacowday dhacdadii deegaankaas ka dhacday subaxnimadii Jimcaha aheyd kadib markii la laayay shacab Soomaliyeed Beeraley ahaa. Guddigaan waxaa hogaaminaya Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Maxamed Abuukar Ducaale Islow,waxaa sidoo kale kamid ah Taliyayaaasha Ciidamada Xoogga, Nabad Sugida Soomaliya iyo odoyaaal dhaqameed. Guddigaan ayaa la kulmi doona qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose,waxayna ka xog wareysan doonaan dhacdadii lagu laayay 10-qof oo beeraley aheyd oo deegaankaas ku sugnaa, oo lagu eedeeyay Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa Mareykanka in ay geystaan falkaas. Raisulwasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay shalay in guddi loo saaray dhacdadii deegaanka bariire ee Gobolka Shabeelaha hoose, islamarkaana laga doonayo in Muddo 5-maalmood ah ay warbixin kaga keenaan wixii ka dhacay. https://www.youtube.com/watch?v=9cssd0HKM5U   WARARKA MAANTA 27KA Agoosto 2017 Sir Culus Su’aalaha Maanta: Maxuu ka shaqayn jiray Jaajuuska la dhigay Raysal Wasaare Ku-Xigeenka Mudane Mahdi Maxamed “Siil-Dhuuqe”? Maxay tahay sababta Raysal Wasaare Ku-Xigeenka Mudane Mahdi Maxamed “Siil-Dhuuqe” oo aan awood u lahayn inuu Hargayso tago inuu warqad amar ah ku soo rogo golaha wasiiradda oo xaq u leh inay ku hadlaan magaca wasaaraddaha ay maamulaan inkastoo uu jiro khaladaad iyo kala hadal? Maxay la tahay jaajuuskan Ethiopianka ah oo loo magaacabay Raysal Wasaare Ku-Xigeenka Dalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed “Siil-Dhuuqe” inuu warqadiisan Af-Soomaaliga khaldan inuu wax uga qaadi karo laba nin oo Hawiye ah oo jooga deeggaankooda mise ninkan wuu yara waalan yahay oo beentii ay Itoobiya u soo sheegtay ayuu run u maleeyaa inuu awood leeyahay? Dowladdaha Shisheeye iyo Ciidamadda ay soo galiyeen dalka Soomaaliya wixii ay si khaldan ku dilaan waa inay magdhaw ka bixiyaan ayadoo la raacayo sharuudaha iyo xeerarka caalamiga balse ma ahan inay Dowladda Wada Dadban ka aamusto sidii loo soo qaadi lahaa xuquuqda dadka la dilo ama wax aan sharci ahayn lagu sameeyo! Maamulka Galmudug 27KA Agoosto 2017 Wasiirka Amniga Dowladd Goboleedka Galmudug Cismaan Ciise Nuur oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu ka hadlay Sargaal Katirsan ururka (ONLF) oo Laba Maalin Kahor Lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug. Sargaalkan oo Lagu magacaabo  Abdkarin Sh Muse (Qalbi DHAGAX) ayuu wasiirku Sheegay in Laga qabtay Magaalada Gaalkacyo Asagoo wada falal amaanka Maamulka Galmudug Lidi ku ah. Waxaana uu Wasiirku sheegay in Ciidamada Nabadsugida Qaranka ay Si Xoogaa ku qaateen Sargaalkaas Loona Waday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya. Dawlada Somaliya ayuu baaq u diray Wasiirka Maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur  Waxaana uu kacodsaday in Gacanta Maamulka Galmudug dib Loogu Soo Celiyo,waxaana uu Shaki Galiyay Wadashaqaynta Dawlada Dhexe iyo Galmudug hadii gacntooda dib loogu Soocelinwaayo. Brussels 27KA Agoosto 2017 Qaar ka mid ah bulshada Soomaalida ee dalka Belgium ayaa cambaareeyay falkii uu nin Soomaali ah uu faash ku weeraray askar boolis ah oo ku sugneyd bartamaha magaalada caasimadda ah ee Brussels. Ninkaasi oo 30 jir ah ayaa waxaa toogasho ku dilay ciidamada booliska dalkaasi Belgium. Hal askari ayuuse gacanta ka dhaawacay. Haddaba Bashir Cabdi waa orodyahan caan ah oo 5,000 iyo 10,000 ee mitir u orda waddanka Belgium-ka, waxa uuna sheegay in ay ka soo horjeedaan weerarkan uu ninkaasi gaystay, bulshada Soomaalidana aanay wax shuqul ah ku lahay Ceelbuur 27KA Agoosto 2017 Sida uu sheegay gudoomiyaha degmada Ceelbuur  In maalintii Arbacadii la soo dhaafay uu xasuuq ban ka geysteen ciidamo Etoobiyaan ah oo ka tirsan AMISON. Ciidmadaan Etoobiyaanka ah  ayaa Kaare dul mariyey haweeney Uur leh iyo Laba Caruur ahay dhashay   iyagoona Kaaraha Markay marsiyeen hadana markale  dib ugu soo celiyeen  ilaa ay dadkii ka dhintaan Haweeneyda iyo labadeedii  Caruur Xasuuqan ayaan waxaa wali ka hadlin dowlada Federaalka waxuuna gudoomiyaha Degmada Ceelbuur sheegay in ciidmada  shacaka maatada Xasuuqay ay xarun u tahay degmada Maxaas oo wax yar u jirta  Wabxo Xasuuqan ba an laga geestay deeganada Wabxo ayaan wax war ah ka soo saarin xildhibaanada matalo deegamadaasi iyagoona sida muuqata aan ka muuqan wax u danqasho  ah dadka ay matalayeen ee lagiu xasuuqay magaalada Wabxo Xasuuqan ka dhacay  Wabxo loogu geestay haweenka Uurka laheyd iyo Labadeeda Caruur ayaa ku soo aaday xili magaalada Bariire ee gobolka Shabeelada Hoose lagu xasuuqay dad shacab ah. Muqdisho 27KA Agoosto 2017 Xukuumadda Somaliya, ayaa markii ugu horeysay awaamiir culus oo ka dhan ah warbaahinta ku soo rogtay Golaha Wasiirada, ka dib weerarkii maalintii Jimcaha ka dhacay Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose. Wasiirada Warfaafinta iyo Gaashaandhigga, ayaa dhaleeceen xoogan kala kulmay qaybaha bulshada, ka dib markii ay weerarkaasi ku sheegeen mid lagu bartilmaameydsaday xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab. Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Somaliya, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inaanan Golaha Wasiirada warar ku saabsan siyaasadda u adeegsan karin barraha bulshada iyo warbaahinta, intaba, iyagoo aan ogolaansho ka haysan Xafiiska Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre. “Dhammaan xubnaha Golaha Wasiirada oo ay warqadani ku socoto waxaa lagu wargelinaya in isticmaalka barraha bulshada, idaacadaha, telefishinada iyo dhammaan wixii la xiriira warbaahinta, ay u baahan tahay in marka hore ogolaansho Wasiirada ka haystan Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, lana isla ogyahay mowduuca aad warbaahinta kala hadleysan, markasta oo ay khuseyso arrimaha Xukuumadda.” Ayaa lagu sheegay qoraalka. Golaha Wasiirada, ayaa waxaa lagu adkeeyay inay u hogaansaman awaamiirtan cusub, oo waafaqsan siyaasadda warbaahinta ee Xukuumadda Somaliya. “Haddaba waxaa reeban in barraha bulshada loo isticmaalo arrimo siyaasadeed oo xasaasi ah. Sidaa daraadeed waxaa la idin farayaa inaad fulisan arrimaha sare ku xusan ee waafaqsan siyaasadda warbaahinta ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya.” Ayaa lagu yiri qoraalkan. Awaamiirtan, ayaa waxay xadidi doontaa hadaladii is burinayay ee masuuliyiinta dowladdu ku baahinayen barraha bulshada iyo warbaahinta gudahaba.

WARARKA MAANTA 26KA Agoosto 2017 Sir Culus Maraykanka 26Ka Agoosto 2017 Duufaan xooggan ayaa ku dhufatay gobolka Texas ee dalka Maraykanka. Duufaanta ayaa saacadii jareysa 215 kiilo mitir taasi oo ah mid heerkeedu sarayo. Waxaa la filayaan in duufaanta ay noqoto tii ugu xumayd oo muddo 12 sano ah ku dhufata gobolkaasi Texas. Duufaanta oo ah mid xoog badan ayaa waxa weheliya roobab mahiigaan ah oo halkaasi ka da’aya. Madaxwayne Donald Trump ayaa ku dhawaqay in duufaantan ay tahay musiibo islamarkana dowlada dhexe ay gargaar gaarsiin doonto goobaha ay sida ba’an u saamaysay. Gavanatooraha Texas Greg Abbott ayaa ka digay in fatahaado ay ku dhufan doonaan degaano badan. Duufaantan oo khubarada ay sheegeen in ay tahay mida heerka afaraad loo yaqaano ayaa dhulka dhigtay geedo magaalada Corpus Christi. Kumanaan qof ayaa ka cararay guriyahood gobolka Texsas ee dalkaasi Maraykanka. Duqa magaalada Rockport ,Patrick Rios ayaa ku baaqay in dadka degan magaalada oo tiradooda dhan tahay 10,000 oo qof sida ugu dhaqsiyaha badan halkaasi looga daadgureeyo. Mr Patrick ayaa sheegay in dadka ay ku xannibmeen guriyaha halkaasi oo saqafyada ay soo dumeen islamarkana shaqaalaha gurmadka ay waayeen meel ay u maraan sida uu ka soo xigtay talafishinka CBS. Muqdisho 26Ka Agoosto 2017 Taliyaha Ciidnka Xoogga dalka Soomaaliya Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid ayaa sheegay in dadkii lagu dilay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellha Hoose ay ahaayeen dad rayid ah. Waxa uu sheegay in warbixinadii horay loo dhiibay ay ahaayeen kuwo qaldan,islamarkaana dhacdadaas ay aheyd mid siqaldan u dhacday,kadib howlgal ay wadeen Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Saaxiibadooda Mareykanka. Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in dhacdaas dadka lagu laayay ay dowladda Guddi baaritaano ah u saartay,islamarkaana jawaab cad ay ka bixin doonto. Hadalka taliyaha ayaa ku soo aadaya xili Wasiirka Warafafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow,uu brta uu ku leeyahay Fcebook ku sheegay in dadka la dilay ay ahaayeen Al-Shabaab,walow markii dambe uu ka saaray. Hargaysa 26Ka Agoosto 2017 Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sheekh Aadan-Siiro),  oo kamid ah Culimadda Maamulka Somali-land ayaa sheegay in Masuuliyiin Somaliland ka tirsani ku lug-leeyihiin tahriibka, isla markaana ay qayb ka yihiin Shabakadaha ku Shaqaysta Tahriibinta Dhalinyarada. Sheekhu waxa kale oo uu khudbaddiisa Jimcaha kaga hadlay Dhallinyarada reer Somaliland ee Tahriiba, isagoo waanana u soo jeediyey oo uu yiri; “Shaqadii Qaranka (Xilligii Soomaaliya) waxaan joogay Iskuulka Faarax oomaar, 9 Fasal oo Fasallada 3-aad ee Dugsiga sare ah ayaa joogay halkaa, 180 Wiil, oo ka ugu weyni yahay 17 Jir ayaa Maalin keliya tallaabay (ku biiray SNM), waxaan uga jeedaa Dalkan waxa xorreeyay 16 Jirro oo ku lugo beelay, kuna Dhego-beelay. Maanta oo wax walba isa saaran yihiin, Dhibna aanay jirin inaad Tahriibtaan oo aad Gaalo isku dhiibtaan waa arrin aad u layaab badan, markaa Dhallinyarada waxaannu ku waanineynaa (in aanay Tahriibin).”Waxaanu Sheekh Aadan-Siiro intaa sii raaciyey in Dad maamulka ka mid ahi ku lug leeyihiin Tahriibka Dhallinyarada, waxaanu yiri. “Waxa ka sii layaab badan kuwa Maamulka haya ee kuwa Carruurta Tahriibiya ah ee Hargeysa jooga, Xarumahooda Gobollada, Telefoonnadooda iyo Magacyadooda la hayo, halka Lacagtooda lagu shubo iyo Saacadaha ay Carruurta kexeeyaanna la garanayo.” Sheekh Aadan-Siiro wuxuu dhallinyarada Somali-land  ka waaniyey inay Tahriibaan isla-markaana aanay Hooyooyinkood ku khasbin inay inay ka hor ooyaan Dad kale, si ay uga helaan Lacag ay iyaga ku soo bedbaadiyaan, iyagoo awalba ku soo koriyey Daasad daasad Tamaandho ah oo ay suuqa la fadhiisteen. Shabeelle Hoose 26Ka Agoosto 2017 Military-ga Mareeykanka ayaa Xaqiijiyay in ay Taagerayeen Ciidamo Soomaali ah oo Howlagal Argagixiso la Diriri ah ka Fuliyay Gobolka Shabeelaha Hoose Halkas oo lagu dilay Dad rayid ah oo Sadex ka mid ah ay Caruur yihiin, Ciidamada Mareykanku ayaa sheegeen in ay baarayaan eedeeymaha ku aadan in Ciidamadoodu ay Qeeyb ka ahaayeen Rayid ka la xasuuqay. Geeridaan Soo korortaya ayaa Su’aal galisay Howlagaladda ciidamadda Mareeykanku ay Soomaaliya ka Fuliyan oo horay u sababay Dimashadda Dad badan oo Rayid ah, Qasaaraha ka dhalanaya Howgaladda Ciidamadda Mareeykanka waxaa ay soo kordheen ka dib markii Madaxweeynaha Mareeykanku uu Meelmariyay in la baariyo Howlagaladda ka dhan ka ah Al-shabaab ee Soomaaliya iyadoo Hoos loo dhigayo Xeerka ilaalinaya Xuquuqda Dad ka Rayid ka ah ee ku nool Goobaha laga Fulinayo Howlagaladda Argagixiso la dirirka Mareeykanku ugu Magac daray. “Waan ka Warqabnaa Waxyeeladda Dad ka Rayid ah kusoo gaartay Duleedka Bariirre, Edeeyn kasta oo ku aadan Waxyeladda shacab ka waxaan u qaadaneeynaa mid dhab ah, sida caadiga ahna waxaan qiimeeyn kusameeyneynaa Xaaladda si loo ogado Xaqiiqada jirta” ayaa lagu yiri war uu soo saaray military0ga Mareeykanku. Todobaad ka hor ayey ahayd markii howlagal Ciidamadda Mareeykanku ay kasameeyeen Gobolka Jubadda Dhexe ay ku dileen Todobo Ruux oo shaacab ah, oo waqtigii ay duqeentu dheceeysay uu gurigooda ku sugnaa Sargaal ka Tirsan Al-shabaab oo ay Xidid ahaayeen. Maamulka Galmudug 26Ka Agoosto 2017 Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Maanta oo Sabti ah lagu wadaa in Baarlamaanka Maamulkaasi uu horgeeyo Golaha Wasiiradda Cusub ee uu dhawaan Soo Magacaabay. Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa sheegay in Madaxweynaha Galmudug Xaaf uu Baarlamaanka hor geyn doono Wasiiarada Cusub islamarkaana uu Baarlamaanka ka horjeedin doono Qudbad ku aadan in ay u Ansixiyaan Wasiiradda. Xildhibaanada Galmudug ayaa ku kala Aragti duwan Ansixinta Wasiirada Cusub ee Galmudug,iyadoo Wasiirada intooda badan ay yihiin kuwii shaqeyn jiray Xilligii uu Madaxweynaha ahaa Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed. Muqdisho 26Ka Agoosto 2017 Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha  Soomaaliya ayaa tacsi u direy Eheladda dadkii lagu laayay deegaanka Bariiire ee Gobolka Shabeelaha Hoose. Madaxweynaha oo bartiisa soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo dadkii la laayay ayaa sheegay inuu ka tacsiyeynayo dadka lagu laayey weerarkaas ka dhacay subaxnimadii hore ee saakay deegaanka Bariire. Madaxweyne Farmaajo ayaa  sheegay inay dowladda Soomaaliya baaritaan dhab ah ku sameyn doonto wixii dhacay iyo qaabka ay u dhaceyn,islamarkaana ay tahay wax aad loogu xumaado in shacab masaakiin lagu xasuuqay goob ay ku sugnaayeen. Hadalka madaxweynaha ayaa aad uga duwan hadaladii ay jeediyeen Wasiirada Warfaafinta iyo Gaashaandhigag Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan “Yariisow” C/rashiid C/llaahi Maxamed iyo Sidoo kale Gudoomiyaha gobalka Shabeelaha Hoose kuwaas oo sheegay in waxa la dilay ay ahaayeen Shabaab. Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu la hadlay dadka ay arintaan quseyso isagoo amray in la soo baaro sidii ay wax u dhaceen balse waxa uu sheegay in aad uga xun yahay falkii dhacay ee shacabka lagu xasuuqay. UNHCR 26Ka Agoosto 2017 Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay inay dib u soo celiyeen 70,516 Qaxooti Somali ah, kuwaasi oo iskooda ugu soo laabtay dalkooda hooyo tan iyo markii la bilaabay Hawlgalkaasi bsihii December ee sannadkii 2014-kii. Qoraalka Toddobaadlaha ee ay Hay’adda UNHCR ka soo saareen magaalladda Nairobi ayaa lagu sheegay in 30,383 Qaxooti iskooda u soo laabteen sannadkan 2017-ka oo keliya. UNHCR waxay kaloo sheegtay inay haatan is-diiwaan geliyeen 18.274 Qaxooti Somali, kuwaasi oo ku sugan Xeradda Dhadhaab ee Waqooyiga Kenya. Dhinaca kale, Hay’adda waxay xustay intii ay socdeen Doorashadii Kenya inay yaraadeen tirade Qaxootiga doonaya inay iskooda ugu soo laabtaan dalkooda hooyo ee Somalia. Si kastaba ha ahaatee, ku-dhawaad 900,000 oo Somali ah ayaa hataan Qaxooti ahaan ugu nool dalalka Kenya, Ethiopia, Uganda iyo Yemen. Maraykanka 26Ka Agoosto 2017 Dowlada Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in cunaqabateyn dhaqaale ay kusoo rogeyso dowlada madaxweyne Nicolas Maduro ee dalka Venezuela. Dowlada dalkaasi ayaa lagu eedeeyay inay ku dhaqaaqday xadgudubyo ka dhan xuquuqda aadanaha iyo dimoqraadiyada. Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay dikreeto madaxweyne oo lagu mamnuucayo in lala macaamilo shirkadaha ganacsiga ee ay dowladu leedahay. Tallaabadan ayaa saameyn doonta shirkada weyn ee shidaalka ee dowlada Venezuela. Aqalka cad ee dalka Mareykanka ayaa dowlada madaxweyne Maduro ku tilmaamay mid kali talis ah. Mareykanka ayaa sidoo kale cunaqabateyn kusoo rogay madaxweyne Maduro iyo shakhsiyaad ka ag dhaw. Safiirka Mareykanka ee Qaramad midoobay Nikki Haley ayaa waxaa ay sheegtay in Washington ay ka go’antahay sidii cadaadis loo saari lahaa dowlada dalkaasi. Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda ee Venezuela Jorge Arreaza ayaa Mareykanka ku eedeeyay in uu doonayo in dhibaato bani’aadanimo uu ka abuuro dalka Venezuela, waxaan uu ugu baaqay Mareykanka in uusan soo faragelinin arrimaha Venezuela. Dibadbaxyadii u dambeeyay ee looga soo horjeedo dowlada dalkaasi oo ka dhacaya caasimada dalka Venezuela ee Caracas ayaa waxaa ku dhintay dad badan kaddib markii ciidamada Booliska ay ku dhufteen sunta dadka ka ilmeysiisa. Madaxweyne Maduro ayaa horay u sheegay in qorshihiisa dhaqaale ee uu suuqa uga saarayo nuqulka lacagta bolivarka dalkaasi oo gaaraysa malaayiin ay burburisay suuqa madow. Balse arintaasi ayaa dhalisay dibadbaxyo kaddib markii shacabka dalkaasi ay waayen lacago cadaan ah oo ay cunto ku iibsadaan. Maraykanka 26Ka Agoosto 2017 Mareykanka oo sheegay in Ciidamadoodu ay qeyb ka ahaayeen Weerarkii Bariire Taliye Cirfiid” 10 qof oo beeraley ah ayaa lagu dilay Bariire” Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Mudane Axmed Maxamed Jimcaale (Cirfiid) oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in dadkii Shalay lagu dilay degaanka Bariire ay ahaayeen dad Shacab ah oo Masaakiin ah. Waxaa uu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay si kama’ah ay u dileen dad Shacab ah, oo beeraleey ah oo aan waxba galabsan. Taliyaha ayaa sheegay in dowladda ay arintaasi ay guddi u saartay ,islamarkaana ay waddaan baaritaano kala duwan . Jeneraal Cirfiid ayaa qiray in warkii shalay kasoo baxay dowladda Soomaaliya uusan sax aheyn, halkaasina lagu dilay 10 qof oo Shacab ah. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid C/laahi Maxamed oo la hadlay VOA ayaa sheegay weerarkii  ka dhacay degaanka ee gobolka Shabeellaha Hoose in ay fuliyeen Ciidamada Dowladda Federaalka, oo aysan lug ku laheyn Ciidamo kale. Wuxuu sheegay Wasiirka Difaaca Soomaaliya dadka halkaasi lagu laayay in ay ahaayeen 9 Qof oo rag ah, kuwaasi oo hubeysnaa, diideyna in ay dhigaan Hubka, xabadna bilaabay, Ciidamadana ay sidaasi ku dileen. Wasaaradda Warfaafinta ayaa dhankeeda sheegay in dadkii lagu dilay Bariire ay ahaayeen Shabaab Muqisho 26Ka Agoosto 2017 Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Cabdullaahi oo la hadlay warbaahinta  ayaa sheegay in hawlgal uu  ka dhacay degaan u dhow Bariire ay fuliyeen ciidamada dawladda Xoogga dalka Soomaliyeed iyo kuwa mareykanka. Wasiirka ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed ay gudaha u galeen beer ku taala deegaankaas,islamarkaana ay iska cabin ay kala kulmeen shaqsiyaad hubeysnaa taasina ay keentay in Cidamada ay rasaas dhankooda ku furan dadkaas. ” Sida aad ka war qabtaan maalmo ka hor Ciidamada dowladda iyo Ciidamada kaalmeenaya ayaa la wareegay Bariire oo ahaa aaga ay ku sugnaayeen Ciidamada Cadowga, mar kasta ciidamada waxay sameenayeen Baaritaano iyo dabagalka cadowga, maantaa waxaa dhacday inay la kulmeyn dad Soomaaliyeed oo hubeysan, waxaana loo sheegay inay hubka dhigaan, waa ay diideen, waxaana sidaas ku bilaabatay Xabadda, meydkoodana meesha waa laga soo qaaday” Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga. Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Cabdullaahi ayaa beeniyay in weerarkaas ay fulisay diyaaradda Bancroft,oo inta badan lagu fuliyo weerarada dhanka cirka ah ee ka dhaca Gobolka Shabeelaha Hoose iyo qaar kamid ah gobolada dalka Soomaliya. Brussels 26Ka Agoosto 2017 magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka ayaa sheegaya in bartmaha magaalada lagu toogtay nin ka dib markii uu toori ku weeraray labo askari. Muqaalo laga soo duubay halka ay wax ka dhaceen ayaa muujinaya ciidamada ammaanka oo xiray goobta uu weerarka ka dhacay, waxaana halkaasi soo gaaray kooxaha gurmadka degdega ah. Qof goobjooge ah ayaa Warbaahinta u sheegay in uu maqlay dhawaqa rasaasta. Ninkii Weerarkaasi geystay ayaa la sheegaya in uu asal ahaan uu kasoo jeedo Soomaaliya, waxaana markii uu weerarkaasi geysanayay uu ku qeylinaayay Allahu Akbar. Boolisku waxa ay sheegeen in ninkaasi da’diiso ay tahay 30 jir. Duqa Magaalada Brussels sheegay in ciidamada Ammaanka heegan buuxa la geliyay , islamarkaana ay waddaan baaritaano kala duwan. WARARKA MAANTA 24ka Agoosto 2017 Sir Culus Su’aalaha Maanta: Maxay tahay sababta Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo “Been-Hawaas” Iyo Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raamsade” aysan awood ugu lahayn inay si sharci ah ku soo booqdaan Dowlad Somaliland Iyo Dowlad Gobaleedka Puntland State oo ay si siyaasaddeed ay tartiib-tartiib ugu minjo-xaabinayaan jiritaanka maamuladaas sida ay xukunka uga tuureen Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle State Mudane Cosoble? Maxay tahay sababta ay Dowlad Gobaleedka Puntland ugu tumanaysaa Dastuurka Federaalka ee ay si toos ah iyo si dadbanba waddanka Soomaaliya uga hirgelisay? Maxay tahay sababta Dowlad Gobaleedka Puntland State inay ku gacan-sayrto dhex-dhexaadnimadii Dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay khilaafka dowladdaha Carabta? Muqdisho, August 23, 2017 – Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud oo uu wehliyo Amb. Hamoud Samaran Al Jowhary Al Huwaidi Madaxa Ergada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya ayaa maanta xariga ka jaray dib u dayactir iyo qalabayn lagu sameeyay xafiisyada cusub ee ay ku howlgali doonto Waaxda Carabta. Agaasimaha Waaxda Carabta Mustafa Adam Dagaal ayaa ku soo dhoweeyay Madaxda kala duwan ee Wasaaradda qeybaha la dayactiray ee Waaxdiisa, isaga oo bogaadiyay dadaalka Jaamacadda Carabta ay ugu jirto taageeridda Soomaaliya. Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Cali Maxamed Cali ayaa sheegay in dib loo dayactiri doono, lana qalabayn doono waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda oo uu ku jiro Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda, isaga oo xusay in Waaxyuhu isku fidin doonaan dhammaan dhismaha Wasaaradda, si loo xoojiyo howlaha shaqo iyo shaqaale. Dhankiisa, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Mukhtaar Mahad Daauud ayaa tilmaamay in Wasaaraddiisu ay la kaashan doonto Wasaaradaha kale ee dalka si loo suurageliyo dib u dhis ballaaran oo lagu sameeyo dhammaan hey?adaha qaranka ee ku burburay dagaaladii sokeeye. Ergeyga Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya Danjire Hamoud Al Huwaidi ayaa sheegay in Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Ahmed Aboul-Gheit uu qaban-qaabinayo shir ballaaran oo dhammaan dowladaha carbeed ay ka soo qeybgali doonaan oo lagu uruurin doono lacago dib loogu dhisayo dalka Soomaaliya, isaga oo qiray in Jaamacadda Carabta aanay marnaba ka gaabin doonin in ay ka shaqeyso sidii Soomaaliya ay dib uga soo kabsan laheyd dhibtii colaaduhu ay gaarsiiyeen Puntland State 24ka Agoosto 2017 Magaalada Garowe ee maamulka Puntland ayaa waxaa ka dhacay shir looga hadlayey sidii loo dajin lahaa sixir bararka lacagta shilinka Soomaaliga ku dhacay. Kulankaasi ayaa waxaa ka qayb galay maamulka gobolka Nugaal ka degmada Garoowe iyo wasiirka Maaliyada maamulka Puntland iyo Taliyaha la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixsada ee Puntland. Taliyaha la dagaalanka argagixisada Puntland Gen.Muxyadiin Axmed Muuse ayaa digniin adag u soo jeediyey ganacsatada iyo laamaha amaanka gobalka isagoo sheegay inay talaabo shirciga waafaqsan ka qaadi. UK 24ka Agoosto 2017 Aasiya Cumar oo aheyd hooyo Soomaaliyeed oo dhalinyara ah ayaa Isniinti lagu dilay magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska, kadib marki uu toorreeyay seygeeda oo lagu magacaabo Aden Dahir. Ayan Cabdulahi oo ay qaraabo yihiin Asiya, ayaa VOA-da u sheegtay in marxuumada ay u dhimatay dhaawacyo halis ah oo ka soo gaaray labada dhinac ee qoorta. Lama oga sababta ku kaliftay Aden inuu dilo xaaskiisa, balse booliska magaalada Bristol ayaa wada baaritaan ku aadan dilka Aasiya Cumar. Aasiya Cumar ayaa aheyd 27 jir, waxana ay ifka uga tagtay wiil iyo gabar. Wadamada Yurub ayaa waxaa ju soo badanayo Raga haweenka u dhaxo dilayo iyadoona waxa sababay aan la ogeen. Hirshabelle State 24ka Agoosto 2017 Wararka aan ka heleyno Magaalada jowhar ee Xarunta maamulka hir-Shabeelle ayaa waxa ay sheegaayn in tiro Odayaal ah lagu xir xiray Gudaha Magaalada jowhar. Odayaashaan ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwii ka qeybgalayay wadadhadaladii Nabadeed ee lagu heshiisiinayay beelihii ku dagaalamay degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha dhexe. Ka hor xariga Odayashaan ayaa la sheegay in looga yeeray howlka shirka balse markii ay tageen Gawaari lagu dabulay,sidaasna Xabsiga loo geeyay. Ila Wareedyo ku sugan Magalada Jowhar ayaa xaqiijiyay amarka lagu xiray Odayaashaan uu lahaa Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabelle Cali Guudlaawe Xuseen. Galmudug State 24ka Agoosto 2017 Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug Maxamuud Aadan Cusmaan Masagawaa oo shiraa’id ku qabtay magaalada cadaado ayaa sheegay in janaraal Maxamed Nuur Galaal oo ku sugan cadaado aysan ka maamul ahaan kala hadlin arimo la xiriira dhax dhaxaadinta ahlu suunna iyo maamulkooda. Wasiir Masagawaa ayaa sheegay in aysan jirin heshiis dhexmaray Dowladd Goboleedka Galmudug iyo Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca islamarkaana hadalka maanta kasoo yeeray Galaal uu yahay mid aan waxba ka jirin. Sidoo kale Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug Maxamuud Aadan Cusmaan Masagawaa ayaa sheegay in Jeneraal Galaal uusan fasax ka heysanin labada maamul in uu dhex-dhaxaadiyo balse aysan haatan jirin heshiis dhexmaray Galmudug iyo Ahlusuna. Dhanka kale Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug Maxamuud Aadan Cusmaan Masagawaa ayaa sheegay in uusan jirin amarka kasoo baxay madaxweynaha Galmudug oo Ciidamo galmudug ah loogu fasaxay dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Mareer-gur ee Gobolka Galgaduud islamarkaana dagaalkaas uu dhexmaray Maamulka Ahlusuna iyo Ciidamo deegaanka ah. Janaraal Maxamad Nuur Galaal oo kamid ahaa Saraakiishii hor e ee Dowladii Dhexe ee Soomaliya ayaa sheegay in labada madaxweyne ee Galmudug iyo Ahlu-Sunna Waljamaaca ay mabda’ahaan isku raaceen in la mideeyo labada maamul isla markaana uu madaxweyne u noqdo Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Muqdisho 24ka Agoosto 2017 R/Wasaare Xasan Cali Kheyre ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo xubno la socday ayaa Maanta booqday Xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho. Gudaha Xabsiga waxaa ra’iisul Wasaaraha iyo xubnihii la socday ku soo dhaweeyay Kusimaha taliyaha ciidanka asluubta,oo ay garbihiisa taagnaayeen inta badan Saraakiisha Ciidannka Asluubta ee ku sugan Xabsiga dhexe. Marka hore ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixino ka dhagestay Kusimaha taliyaha ciidanka asluubta. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Xabsiga si uu ula socdo xaalada ay ku nool yihiin Maxaabiista ku xiran Xabsiga dhexe. Ra’iisul Wasaaraha oo hadal kooban halkaasi ka jeediyay ayaa sheegay in aysan suurtagal aheyn Xabsiga dhexe oo ah Goobtii Cadaalada in ay waxyaabo amnidaro ah ka dhacaan,kadib markii dhawaan uu ka dhacay qarax Ismiidaamin ah. Muqdisho 24ka Agoosto 2017 Nabadoon C/raxmaan Jaabiri Samatar oo kamid ah waxgaradka Puntland ayaa sheegay in Puntland ay ku saxan tahay iney taageerto dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka, isaga oo faah faahiyey sababta arrintaasi keentay. Waxa uu sheegay Nabadoonka in dowladda Imaaraadka ay mashaariic badan ka fulisay deegaannada Puntland, taasina ay keentay in ay jawaab uga dhigaan iney taageeraan. Waxa uu tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay gadaal marsatay deeqaha iyo kaalmada ay ka hesho dalal badan oo caalamka sida Turkiga, iyaguna ay ku qasban yihiin iney taageeraan cid walbo oo wax siineysa, waa sida uu hadalka u dhigaye. Xiriirka Xulufada Sacuudiga ayuu sheegay in danweyn ay ku qabaan maamulka Puntland. Muqdisho 24ka Agoosto 2017 Masuuliyiinta Sare ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, Wasiir Ku-Xigeenka Mudane Xuseen Cilmi, iyo Agaasimaha Guud Maxamed Abuukar Zubeeyr ayaa xarunta Wasaaradda kula kulmay Nahida Hussein, Hastings, iyo Hassan Ebrahim oo ka kala socday UNDP Soomaaliya iyo UNSOM. Kulanka ayaa looga hadlay hawlaha muhiimka ah ee ay Wasaaradda wado iyo sidii UNDP ay u taageeri lahayd. Wasiir Cabdi Xoosh oo ka hadlayay hawlaha ku saabsan Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka ayaa yiri “Waxa aan doneynaa in Geedi-socodka uu noqdo mid ay Soomaali hogaamineyso islamarkaana ay Soomaali leedahay, wixii taageera ah waan soo dhaweyneynaa waanan idinkaga mahadcelinaynaa sida aan kala go’a lahayn ee aad noo taageertaan”. Sido kale, Wasiirku waxa uu sheegay in loo baahanyahay in Wasaaradda laga taageero sidii dhamaan deegaamada dalka loo gaarsiin lahaa Geedi-socodka. “Arinta ugu muhiimsan waa in ololaha la gaarsiiyo dhamaan deeganada dalka si uu u noqodo mid ka qaybgalkiisu loo dhanyahay oo ugu dambeyn sal adag u dhiga Dastuur ay Soomaali leedahay oo dhameeystiran” ayuu yiri AVV Xoosh. Dhankeeda, Nahida Hussein oo ahayd Madaxa Farsamada ee UNDP Soomaaliya ayaa aad u soo dhaweeysay hawlaha ay Wasaaradda wado. Ugu dambay, Wasiirka ayaa uga mahadceliyay UNDP sida ay u taageereyso Wasaaradda. WARARKA MAANTA 23ka Agoosto 2017 Sir Culus Su’aalaha Maanta: Maxay tahay loogu magaabay Sadiiq Fadhi-Ku-Dirir ka cayn jiray Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Iyo Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre tan iyo intii xilka ay qabteen ilaa iyo markii loo magacaabay Wasiirka Hawlaha Guud? Mid kale Maxay tahay sababta loo qarinaayo taariikh nololeedka Wasiirka cusub Mudane Sadiiq oo aan ognahay inuu ahayn injineer/Engineer? Waa xaqiiq inuu sadiiq haysan aqoon u ku fuliyo hawlaha Wasaaradda Hawlaha Guud Iyo Guryenta? Mudane Raysal Wasaare Kheyre, waxaanu soo bandhigi doonaa cajalado lagu duubay Mudane Sadiiq asagoo fadhi-ku-dirirka ka caynaaya Dowladdaada iyo Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo marka ma waxaad arinta ku qarinaysaa musuqmaasuqa baahsan ee dowladdan hareeyey. Illaahay Soomaaliya badbaadi meeshan wax dowlad la dhihi karo kama soo socoto! Dowladda Soomaaliya waxaa ka buuxa argagixiso, dad wax kufsaday, dad wax dilay iyo dad wax xaday marka goorma ayaa cadaalad la heli doonaa? Ha Wada turufaysato! Bal Soomaaliyeey arka Sadiik ayaa maanta sheeganaya Injineernimo marka berri  na waxaan sugaynaa darajo kale oo uu bililiqaysto! Maxay shirkadda Soma Oil and Gas u kashiftay inuusan wax saami ah ku darsan Xassan Cali Kheyre oo haatan Raysal Wasaare ka noqday Soomaaliya meeshaasoo weli magacaabayo turatoorayaan wada dembiyo waa weyn galay! Muqdisho 23ka Agoosto 2017  Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa amar ku bixiyay baaritaan rasmi ah in lagu sameeyo cidii ka dambeysay weerarkii lagu qaaday Qoyska Xasan Cabdi Cawad oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo ganacsade ah, kaasi oo caruurtiisa gaari ay saarnaayeen lagu rasaaseeyay 15-kii Bishan Degmada Hodan. Mid ka mid ah Caruurta ayaa geeriyooday, halka laba kale oo xaaladooda caafimaad ay liidato shalay dalka dibadiisa loo qaaday, kadib markii mid ka mid ah caruurta dalka wax looga qaban waayay Koomana uu ku jiray. Ra’iisal Wasaare Ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuled oo Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay falkaasi in aanan sidaasi looga hari doonin oo Dowladda Soomaaliya ay ku sameynayso baaritaan dhab ah. Wuxuu sheegay Madaxweynaha inuu si adag amar ugu bixiyay baaritaanka xasuuqa loo gaystay qoyskaasi oo illaa hadda aanan la ogeyn cida ka dambeysay falka lagu rasaaseeyay. Qoyskan oo gaari yar wada saarnaa ayaa lagu rasaaseeyay agagaarka Isbitaalkii Digfeer ee Degmada Hodan, waxaa halkaasi ku geeriyooday saddex, halka Afar kalena dhaawac uu soo gaaray, Kooxaha hubaysan ayaa watay  gaari yar. Madaxweynaha ayaa Hay’addaha ammaanka si adag u faray inay keenaan macluumaad la xiriira cida ka dambeysay falkaan, maadaama falal badan oo horay u dhacay dabagalkii lagu sameeyay ay noqdeen kuwa aanan meel cad wax lagu soo sheegin. Muqdisho 23ka Agoosto 2017  Dalka Masar ayaa waxaa ka jira dhibaato xoogan oo lagu haayo Soomalida ku nool kuwaa oo amniga Dalka Masar ay  ku hayaan dhac iyo xarig joogta ah. Madaxweynaha oo amar ku bixiyay in la baaro qoyskii lagu rasaaseeyay Muqdish Safaarada Soomalida.ee dalka Masar oo amniga dalka Masar ku amartay in la qab qabto xabsiyada la dhigo Soomalida.ku nool halkaa Dalka Masar ayaa waxaa ka jira dhibaato xoogan oo lagu haayo Soomalida ku nool kuwaa oo amniga Dalka Masar ay  ku hayaan dhac iyo xarig joogta ah booqashada Madaxweyne Farmaajo ee dalka Masar ayaa Soomalida lagu bilaabay  dhac  loo geesanaayo hantida qaaska ah iyadoona xabsiyada la dhigay ilaa iyo 280 oo Soomali ah Xariga Soomalida iyo dhaca loo geesanaayo ayaa amar waxaa ku bixiyey Safaarada Soomalida ku leedahay dalka Masar kuwaa oo amniga Masar u sheegay in Soonalida ku nool Masar ay yihiin kuwa qas wadayaal ah oo ka soo horjeeda madaxweyne Farmaajo taana keentay in Soomalida xabsiyada lagu guro hantidoodana la dhaco waxaa taa ka sii daran in dhamaan dhalinyarada Soomalida loo diido xaflada Madaxweyne Farmaajo  u qabanaayey  Soomalida ku nool dalka Masar, waxaana goobta Xaflada horteeda ka dhacay Banaanbax weyn looga soo horjeedo Safaarada Soomalida ee dalka Masar waxaana ka mid ah erayada ay ku dhawaqayeen Banaanbaxaaysha ha dhacdo safaarada Soomalida doonimeyno safaarada Soomaliya iyo erayo kale oo ka dhan ah safaarada Soomalida ee dalka Masar Ma jirta wax uu ka qabtay madaxweynaha Soomaliya cabashada shacabka Soonaliyeed ee. ku nool dalka Masar Si kastaba ha ahatee  Xaflada madaxwey Farmaajo loogu qabtay dalka Masar ayaa noqon mid faraxad galiso boqolaal qof oo Soomali ah ee  dhib ku heyso safaarada Soomalida ee dalka Masar. Muqdisho 23ka Agoosto 2017  Shalay waxaa magaaladda muqdisho ka furmay wada-hadal u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaliya iyo Shiikh Mutqaar Roobow Cali(Abuu Mansuur) ku-xigeenkii Hogaamiyihii Al-shabaab waxaa la xaqiijiyay in wada-hadalkaas uu mel fiican kusoo dhamaaday. Dhanka Dowladda Soomaliya waxaa wada-hadalka u matalayay Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Xasan Cali Kheyre waxaa la sheegay in qodoboda qaar la isku fahmi waayay kuwaasi oo la sheegay in ay yihiin kuwa aan sidaas u muhiin aheyn. Heshiiska ay gaareen Mutqaar Roobow Cali(Abuu Mansuur) iyo Dowladda Soomaliya ayaa waxaa ka harsan oo kaliyah dhaqan galkiisa in uu saxiixo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed(Farmaajo). Dhinaca kale Abuu Mansuur Roobow ayaa kasoo kacay qaliin dhinaca Kelida todobaad Ka hor lagu sameeyey waxaa Laga soo saarey Laba dhagax hadana caafimaadkiisu  uu yahay mid aad u wanaagsan, waxaa uu maalmaha soo Socdo Uu ku wajahanyay Magaalada Xudur Ee Gobolka Bakool ee Koonfurta dalka Soomaliya. Roobow ayaa latashi lasoo sameyn doona lataliyaaahiisa Sida aan xogta ku helay kadibna waxaa bilaaban doona Wadadii Lagu heshiiyay sidii lagu fulinlahaa oo ah In Dowladu ay dagaalyahanada Xarakada Al Shabaab Ka saarto bartamaha Iyo Koonfurta dalka Soomaalia. Masar 23ka Agoosto 2017 Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee Soomaliya  C/qaasim Salaad Xasan oo ku sugan dalka Masar ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaliya  inay wax u qabato dadkii hantidooda la qaatay iyo sidoo kale kuwii gudaha dalka dhibka loogu geystay. Dr C/qaasim Salaad ayaa sheegay in ay jiraan dad badan oo hantidooda la dhacay iyo kuwa dhibaatooyin loo geystay oo aan waxba laga qabanin dhibaatooyinkooda. “Waxaan shaki lahayn dowladdu wixii ay ka qaban karto iney ka qabaneyso dadkii hantidooda la qaatay ama dhibka loo geystay si wax un loogu qaban lahaa, laakiin waxaa la rabaa in duqeyda, culimada, dadka waxgaradka ah arrintaasi ay waxbadan ka qabtaan si ilaahay dhibaatada inooga dulqaado, aan barinno ilaahay, kadibna aan isku soo noqonno, gacmaha aan is qabsanno Koonfur iyo Waqooyi, Bari iyo Qoraxsin meel walbo hala is cafiyo ilaahayna hala baryo ayaan leeyahay, shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa haddii aan ilaahay loo soo noqon dhibaatadu naga tagi meyso, nagana kici meyso ilaahay haloo soo noqdo waa marka Koowaad, marka ku xigtana ilaahay hala baryo” ayuu yiri Madaxweyne hore C/qaasim. Maamulka Galmudug 23ka Agoosto 2017 Ciidamada  Galmudug  iyo kuwa Xoogga dalka Soomaliyeed ayaa Saakay la wareegay gacanta ku heynta Deegaanka Mareergur oo 18 KM u jira magaalada Godinlabe Gobolka Galgaduud  oo mudooyinkii ugu dambeeyay ay ku sugnaayeen Ciidamada Ahlusuna. Gadiidka dagaalka oo gaaraya ilaa iyo 20 gaari ayaa gaaray deegaanka Mareergur  ee Gobolka Galgaduud waxaana soo wajahday dadka degaanka cabsi ay ka qabaan in dagaal dhaco madaama ay weli aysan degaankaas ka fogeyn ciidamadii iskaga baxay Mareergur ee Ahlusuna Waljameeca. Dhanka kale Degmada Dhusamareeb oo xarun  u ah maamulka gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca ayaa laga dareemaya xiisad ciidan oo ay wadaan  Ahlusunna madaama ay gacantooda ka baxday degaanka Mareergur. Angola 23ka Agoosto 2017 Dalka Angola maanta waxaa loo dareerayaa codbixinta doorashada guud ee dalkaasi. Codbixiyeyaasha ayaa dooranaya shakhsigii badali lahaa madaxweyne Jose Eduardo Dos Santos oo hadda xilka isaga dagaya ka dib 38 sano oo uu dalkaasi soo xukumayay. Wasiirka gaashaandhigga ee xukuumadda hadda jirta Joao Lourenco ayaa la saadaalinayaa in uu si weyn ugu guuleysan doono doorashadan. Haseyeeshee madaxweyne Dos Santos ayaa wali sii maamuli doono xisbiga MPLA, waxaana xubnaha qoyskiisa ay hayaan xilal aad muhiim u ah. Lourenco ayaa beeniyay in uu noqonayo madaxweyne maqaar saar ah haddii uu xilkaasi ku guuleysto. Shaqo la’aanta ka jirta dalka ayaa ka mid ah arrimaha ugu muhiimsan ee hareeyay doorashadan. Musharaxa xisbiga ugu weyn mucaaradka ee Unita, ayaa ah Isaias Henrique Ngola Samakuva. Doorashadan ayaa dadka reer Angola waxay ku soo dooran doonaan qofka noqonaya madaxweynaha dalka iyo xisbiga ay tahay in uu dalka xukumo. Maamulka Galmudug 23ka Agoosto 2017 Magaalada Cadaado ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Galmudug waxaa shalay galinkii dambe gaaray Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo muddooyinkaan ku sugnaa degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud. Jeneraalka ayaa xalay kulan ay albaabada ay u xirnayeen waxa uu kula qaatay madaxtooyadda maamulkaas Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf. Shirka labada Masuul ayaa ahaa mid albaabadu u xirnaayeen  waxaana loo ogolaanin saxaafadda, ilo ku dhow madaxtooyada Galmudug ayaa inoo xaqiijiyey in Jen. Galaal oo isku dayayo sidii la iskugu soo dhaweyn lahaa Galmudug iyo Ahlu sunna. Warar  soo baxaya ayaa sheegaya in Galaal uu Madaxweynaha u gudbin doono qodobo uu ka wado Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlu sunna. Wararka aan ka helayno dhanka Ahlu sunna ayaa sheegaya in ay ku kala aragti duwan yihiin ergeynta Jeneraal Galaal, iyagoo u arka inuusan ku matalin arintan. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa xoogga saaraya sidii uu usoo xero galin lahaa  Ahlu sunna oo gacanta ku haya caasimadda Maamulka Galmudug Magaalada Dhuusamareeb. Muqdisho 23ka Agoosto 2017  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuummadda in ay dabagal ku samayso sidii looga mira dhalin lahaa qorshayaashii ay isku soo afgarteen dowladda Masar. Madaxweynaha oo shir Jaraa’id ku qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ayaa sheegay in booqashada uu ku tagay dalka Masar ay ahayd mid mira dhal ah taasoo ka turjumeysa xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeya labada dal. Madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbixiyey arrimaha ugu muhiimsan ee ay isku soo af-garteen dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdi Fataax Al-Siisi oo ay ka mid tahay xoojinta xiriirka labada dal, kordhinta deeqaha waxbarasho, tababarrada iyo tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo horumarinta arrimaha dhaqaalaha. Waxyaabaha kale ee isafgaradka laga gaaray waxaa kamid ah horumarinta ganacasiga, maalgalisha beeraha, kalluumeysiga, xoolaha iyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo fududeeyo dal ku galka Masar. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan u direysa dalka Masar saraakiil gaaraya 15 oo ka tirsan Ciidanka Booliska kuwaas oo bilow u ah qorshaha dowladda Masar ay kaga qeyb qaadaneyso tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. DHAMMAAD http://www.somaoilandgas.com/shareholders/ WARARKA MAANTA 23ka Agoosto 2017 Sir Culus Su’aalaha Maanta: Maxay tahay loogu magaabay Sadiiq Fadhi-Ku-Dirir ka cayn jiray Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Iyo Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre tan iyo intii xilka ay qabteen ilaa iyo markii loo magacaabay Wasiirka Hawlaha Guud? Mid kale Maxay tahay sababta loo qarinaayo taariikh nololeedka Wasiirka cusub Mudane Sadiiq oo aan ognahay inuu ahayn injineer/Engineer? Waa xaqiiq inuu sadiiq haysan aqoon u ku fuliyo hawlaha Wasaaradda Hawlaha Guud Iyo Guryenta? Mudane Raysal Wasaare Kheyre, waxaanu soo bandhigi doonaa cajalado lagu duubay Mudane Sadiiq asagoo fadhi-ku-dirirka ka caynaaya Dowladdaada iyo Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo marka ma waxaad arinta ku qarinaysaa musuqmaasuqa baahsan ee dowladdan hareeyey. Illaahay Soomaaliya badbaadi meeshan wax dowlad la dhihi karo kama soo socoto! Dowladda Soomaaliya waxaa ka buuxa argagixiso, dad wax kufsaday, dad wax dilay iyo dad wax xaday marka goorma ayaa cadaalad la heli doonaa? Ha Wada turufaysato! Bal Soomaaliyeey arka Sadiik ayaa maanta sheeganaya Injineernimo marka berri  na waxaan sugaynaa darajo kale oo uu bililiqaysto! Maxay shirkadda Soma Oil and Gas u kashiftay inuusan wax saami ah ku darsan Xassan Cali Kheyre oo haatan Raysal Wasaare ka noqday Soomaaliya meeshaasoo weli magacaabayo turatoorayaan wada dembiyo waa weyn galay! Muqdisho 23ka Agoosto 2017  Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa amar ku bixiyay baaritaan rasmi ah in lagu sameeyo cidii ka dambeysay weerarkii lagu qaaday Qoyska Xasan Cabdi Cawad oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo ganacsade ah, kaasi oo caruurtiisa gaari ay saarnaayeen lagu rasaaseeyay 15-kii Bishan Degmada Hodan. Mid ka mid ah Caruurta ayaa geeriyooday, halka laba kale oo xaaladooda caafimaad ay liidato shalay dalka dibadiisa loo qaaday, kadib markii mid ka mid ah caruurta dalka wax looga qaban waayay Koomana uu ku jiray. Ra’iisal Wasaare Ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuled oo Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay falkaasi in aanan sidaasi looga hari doonin oo Dowladda Soomaaliya ay ku sameynayso baaritaan dhab ah. Wuxuu sheegay Madaxweynaha inuu si adag amar ugu bixiyay baaritaanka xasuuqa loo gaystay qoyskaasi oo illaa hadda aanan la ogeyn cida ka dambeysay falka lagu rasaaseeyay. Qoyskan oo gaari yar wada saarnaa ayaa lagu rasaaseeyay agagaarka Isbitaalkii Digfeer ee Degmada Hodan, waxaa halkaasi ku geeriyooday saddex, halka Afar kalena dhaawac uu soo gaaray, Kooxaha hubaysan ayaa watay  gaari yar. Madaxweynaha ayaa Hay’addaha ammaanka si adag u faray inay keenaan macluumaad la xiriira cida ka dambeysay falkaan, maadaama falal badan oo horay u dhacay dabagalkii lagu sameeyay ay noqdeen kuwa aanan meel cad wax lagu soo sheegin. Muqdisho 23ka Agoosto 2017  Dalka Masar ayaa waxaa ka jira dhibaato xoogan oo lagu haayo Soomalida ku nool kuwaa oo amniga Dalka Masar ay  ku hayaan dhac iyo xarig joogta ah. Madaxweynaha oo amar ku bixiyay in la baaro qoyskii lagu rasaaseeyay Muqdish Safaarada Soomalida.ee dalka Masar oo amniga dalka Masar ku amartay in la qab qabto xabsiyada la dhigo Soomalida.ku nool halkaa Dalka Masar ayaa waxaa ka jira dhibaato xoogan oo lagu haayo Soomalida ku nool kuwaa oo amniga Dalka Masar ay  ku hayaan dhac iyo xarig joogta ah booqashada Madaxweyne Farmaajo ee dalka Masar ayaa Soomalida lagu bilaabay  dhac  loo geesanaayo hantida qaaska ah iyadoona xabsiyada la dhigay ilaa iyo 280 oo Soomali ah Xariga Soomalida iyo dhaca loo geesanaayo ayaa amar waxaa ku bixiyey Safaarada Soomalida ku leedahay dalka Masar kuwaa oo amniga Masar u sheegay in Soonalida ku nool Masar ay yihiin kuwa qas wadayaal ah oo ka soo horjeeda madaxweyne Farmaajo taana keentay in Soomalida xabsiyada lagu guro hantidoodana la dhaco waxaa taa ka sii daran in dhamaan dhalinyarada Soomalida loo diido xaflada Madaxweyne Farmaajo  u qabanaayey  Soomalida ku nool dalka Masar, waxaana goobta Xaflada horteeda ka dhacay Banaanbax weyn looga soo horjeedo Safaarada Soomalida ee dalka Masar waxaana ka mid ah erayada ay ku dhawaqayeen Banaanbaxaaysha ha dhacdo safaarada Soomalida doonimeyno safaarada Soomaliya iyo erayo kale oo ka dhan ah safaarada Soomalida ee dalka Masar Ma jirta wax uu ka qabtay madaxweynaha Soomaliya cabashada shacabka Soonaliyeed ee. ku nool dalka Masar Si kastaba ha ahatee  Xaflada madaxwey Farmaajo loogu qabtay dalka Masar ayaa noqon mid faraxad galiso boqolaal qof oo Soomali ah ee  dhib ku heyso safaarada Soomalida ee dalka Masar. Muqdisho 23ka Agoosto 2017  Shalay waxaa magaaladda muqdisho ka furmay wada-hadal u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaliya iyo Shiikh Mutqaar Roobow Cali(Abuu Mansuur) ku-xigeenkii Hogaamiyihii Al-shabaab waxaa la xaqiijiyay in wada-hadalkaas uu mel fiican kusoo dhamaaday. Dhanka Dowladda Soomaliya waxaa wada-hadalka u matalayay Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Xasan Cali Kheyre waxaa la sheegay in qodoboda qaar la isku fahmi waayay kuwaasi oo la sheegay in ay yihiin kuwa aan sidaas u muhiin aheyn. Heshiiska ay gaareen Mutqaar Roobow Cali(Abuu Mansuur) iyo Dowladda Soomaliya ayaa waxaa ka harsan oo kaliyah dhaqan galkiisa in uu saxiixo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed(Farmaajo). Dhinaca kale Abuu Mansuur Roobow ayaa kasoo kacay qaliin dhinaca Kelida todobaad Ka hor lagu sameeyey waxaa Laga soo saarey Laba dhagax hadana caafimaadkiisu  uu yahay mid aad u wanaagsan, waxaa uu maalmaha soo Socdo Uu ku wajahanyay Magaalada Xudur Ee Gobolka Bakool ee Koonfurta dalka Soomaliya. Roobow ayaa latashi lasoo sameyn doona lataliyaaahiisa Sida aan xogta ku helay kadibna waxaa bilaaban doona Wadadii Lagu heshiiyay sidii lagu fulinlahaa oo ah In Dowladu ay dagaalyahanada Xarakada Al Shabaab Ka saarto bartamaha Iyo Koonfurta dalka Soomaalia. Masar 23ka Agoosto 2017 Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee Soomaliya  C/qaasim Salaad Xasan oo ku sugan dalka Masar ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaliya  inay wax u qabato dadkii hantidooda la qaatay iyo sidoo kale kuwii gudaha dalka dhibka loogu geystay. Dr C/qaasim Salaad ayaa sheegay in ay jiraan dad badan oo hantidooda la dhacay iyo kuwa dhibaatooyin loo geystay oo aan waxba laga qabanin dhibaatooyinkooda. “Waxaan shaki lahayn dowladdu wixii ay ka qaban karto iney ka qabaneyso dadkii hantidooda la qaatay ama dhibka loo geystay si wax un loogu qaban lahaa, laakiin waxaa la rabaa in duqeyda, culimada, dadka waxgaradka ah arrintaasi ay waxbadan ka qabtaan si ilaahay dhibaatada inooga dulqaado, aan barinno ilaahay, kadibna aan isku soo noqonno, gacmaha aan is qabsanno Koonfur iyo Waqooyi, Bari iyo Qoraxsin meel walbo hala is cafiyo ilaahayna hala baryo ayaan leeyahay, shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa haddii aan ilaahay loo soo noqon dhibaatadu naga tagi meyso, nagana kici meyso ilaahay haloo soo noqdo waa marka Koowaad, marka ku xigtana ilaahay hala baryo” ayuu yiri Madaxweyne hore C/qaasim. Maamulka Galmudug 23ka Agoosto 2017 Ciidamada  Galmudug  iyo kuwa Xoogga dalka Soomaliyeed ayaa Saakay la wareegay gacanta ku heynta Deegaanka Mareergur oo 18 KM u jira magaalada Godinlabe Gobolka Galgaduud  oo mudooyinkii ugu dambeeyay ay ku sugnaayeen Ciidamada Ahlusuna. Gadiidka dagaalka oo gaaraya ilaa iyo 20 gaari ayaa gaaray deegaanka Mareergur  ee Gobolka Galgaduud waxaana soo wajahday dadka degaanka cabsi ay ka qabaan in dagaal dhaco madaama ay weli aysan degaankaas ka fogeyn ciidamadii iskaga baxay Mareergur ee Ahlusuna Waljameeca. Dhanka kale Degmada Dhusamareeb oo xarun  u ah maamulka gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca ayaa laga dareemaya xiisad ciidan oo ay wadaan  Ahlusunna madaama ay gacantooda ka baxday degaanka Mareergur. Angola 23ka Agoosto 2017 Dalka Angola maanta waxaa loo dareerayaa codbixinta doorashada guud ee dalkaasi. Codbixiyeyaasha ayaa dooranaya shakhsigii badali lahaa madaxweyne Jose Eduardo Dos Santos oo hadda xilka isaga dagaya ka dib 38 sano oo uu dalkaasi soo xukumayay. Wasiirka gaashaandhigga ee xukuumadda hadda jirta Joao Lourenco ayaa la saadaalinayaa in uu si weyn ugu guuleysan doono doorashadan. Haseyeeshee madaxweyne Dos Santos ayaa wali sii maamuli doono xisbiga MPLA, waxaana xubnaha qoyskiisa ay hayaan xilal aad muhiim u ah. Lourenco ayaa beeniyay in uu noqonayo madaxweyne maqaar saar ah haddii uu xilkaasi ku guuleysto. Shaqo la’aanta ka jirta dalka ayaa ka mid ah arrimaha ugu muhiimsan ee hareeyay doorashadan. Musharaxa xisbiga ugu weyn mucaaradka ee Unita, ayaa ah Isaias Henrique Ngola Samakuva. Doorashadan ayaa dadka reer Angola waxay ku soo dooran doonaan qofka noqonaya madaxweynaha dalka iyo xisbiga ay tahay in uu dalka xukumo. Maamulka Galmudug 23ka Agoosto 2017 Magaalada Cadaado ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Galmudug waxaa shalay galinkii dambe gaaray Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo muddooyinkaan ku sugnaa degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud. Jeneraalka ayaa xalay kulan ay albaabada ay u xirnayeen waxa uu kula qaatay madaxtooyadda maamulkaas Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf. Shirka labada Masuul ayaa ahaa mid albaabadu u xirnaayeen  waxaana loo ogolaanin saxaafadda, ilo ku dhow madaxtooyada Galmudug ayaa inoo xaqiijiyey in Jen. Galaal oo isku dayayo sidii la iskugu soo dhaweyn lahaa Galmudug iyo Ahlu sunna. Warar  soo baxaya ayaa sheegaya in Galaal uu Madaxweynaha u gudbin doono qodobo uu ka wado Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlu sunna. Wararka aan ka helayno dhanka Ahlu sunna ayaa sheegaya in ay ku kala aragti duwan yihiin ergeynta Jeneraal Galaal, iyagoo u arka inuusan ku matalin arintan. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa xoogga saaraya sidii uu usoo xero galin lahaa  Ahlu sunna oo gacanta ku haya caasimadda Maamulka Galmudug Magaalada Dhuusamareeb. Muqdisho 23ka Agoosto 2017  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuummadda in ay dabagal ku samayso sidii looga mira dhalin lahaa qorshayaashii ay isku soo afgarteen dowladda Masar. Madaxweynaha oo shir Jaraa’id ku qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ayaa sheegay in booqashada uu ku tagay dalka Masar ay ahayd mid mira dhal ah taasoo ka turjumeysa xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeya labada dal. Madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbixiyey arrimaha ugu muhiimsan ee ay isku soo af-garteen dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdi Fataax Al-Siisi oo ay ka mid tahay xoojinta xiriirka labada dal, kordhinta deeqaha waxbarasho, tababarrada iyo tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo horumarinta arrimaha dhaqaalaha. Waxyaabaha kale ee isafgaradka laga gaaray waxaa kamid ah horumarinta ganacasiga, maalgalisha beeraha, kalluumeysiga, xoolaha iyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo fududeeyo dal ku galka Masar. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan u direysa dalka Masar saraakiil gaaraya 15 oo ka tirsan Ciidanka Booliska kuwaas oo bilow u ah qorshaha dowladda Masar ay kaga qeyb qaadaneyso tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. DHAMMAAD http://www.somaoilandgas.com/shareholders/ WARARKA MAANTA 22ka Agoosto 2017 Sir Culus Su’aalaha Maanta: Maxay tahay sababta uu Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo u soo magacaabay Raysal Wasaare Khaa’inul Waddan Mudane Xassan Cali Kheyre oo si dadban ugu fududaynaayey Shirkadda Soma Oil and Gas inay si fudud ku dhacdo kheyraadka Illaahay ku mannaystay Ummadda Soomaaliyeed? Ogoow ma jirto wax saami ah uu ku darsaday Soma Oil and Gas sida ay kashiftay Shirkadda Soma Oil and Gas taasoo ku qortay bogga shakadda shirkadda Soma Oil and Gas http://www.somaoilandgas.com/shareholders/ Maxay tahay sababta Raysal Wasaare Khaa’inul Waddan Mudane Xassan Cali Kheyre uu u soo magacaabay wasiiro wax kufsaday iyo kuwa horay musuqmaasuq baahsan oo kala duwan dadka, diinta iyo dalkaba uga soo galay kuwaasoo lagu soo daabacay warbixino kala duwan oo caalami ah sida warbixintii ay soo saartay Hay’adda Qaramadda Midooway ee u qaabilsan lasocoshada arrimaha Soomaaliya Iyo Eritrea taasoo la daabacay July 13, 2013kii? Yaa Ummadda Soomaaliyeed maanta runta ka qarin kara? Maxayse kuu qaban karaan dowladdahan isku haysta sidii ay u jahwareerin lahaayeen Ummadda Soomaaliyeed iyo kuwa raba inay qaranka Soomaaliya ku kala daraan dowladdaha deriska ah? Ma soo magacaabi kartaa Raysal Wasaare aan khaa’inul waddan ahayd mise wakhtiga ayaa kuu run sheegi doona Mudane Madaxweyne Farmaajo waayo waxay bulshadda caalamka u diidan yihiin inay deeq iyo wax kula qabtaan waxaad shaqaale ka wada dhigtay kuwa dembiyo waa weyn oo xitaa ay ku jirto argagixisanim, dil iyo musuqmaasuq aan shaqaale ka wada dhigtay marka Dowladda Wada Dadban waxay ku dhammaan doontaa jid ka liita tii Dowladdii Damu-Jadiid! Muqdisho 22ka Agoosto 2017 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somalia, Xasan Cali Kheyre ayaa Injineer Saadiq Cabdullaahi Cabdi u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska. Digreeto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu shaaciyay magacaabista Wasiirka cusub. Injineer Saadiq Cabdullaahi, ayaa bedelaya Wasiirkii hore, Marxuum Cabaas Siraaji, oo Askari katirsan dowladda, gaar ahaan Ilaalada Hanti-dhowrihii hore Nuur Faarax Jimcaale ku dilay Muqdishu 3dii May. Mudane Kheyre ayaa ka codsadayy Madaxweyne Farmaajo inuu dhameys-tiro hab-raaca la xiriira magacaabista Wasiirka cusub, ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u Dhiska Injineer Saadiq. Maamulka Galmudug 22ka Agoosto 2017 Agoosto Kadib Magacaabistii Madaxweyne Xaaf Golihiisa Wasiirada ayaa waxaa iminka soo baxay qaar ka mid ah Xildhibanada Galmudug kuwaas oo dhaliilsan Magacaabistaas. Xildhibaan Axmed Yuusuf Ciyow oo ka mid ah Xildhibaanada Galmudug ayaa sheegay in horay madaxweyne Xaaf ugu sheegeen in aysan aqbali doonin hadii uu dib u soo celiyo Wasiiradii Hore. Waxa uu sheegay in Wasiiradii hore ay inta badan yihiin kuwo aan waxba qaban,sidaas darteedna an ku wargelinay in uusan soo celin balse Go’ankeenu uu yahay in aysan aqbalin. Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in sababtii ay horay ugu rideen Madaxweynihii hore ee Galmudug ay aheyd in isbedel la helo,laakin taas aysan muuqaan ayna ka go’aan tahay in aanan la ansixin. Maamulka Somaliland 22ka Agoosto 2017 Maalin ka hor Wasaarada Waxbarashada Maamulka Soomaaliland waxa ay ammar ku bixisay in ilaa 7 Iskuul oo ku yaalo Magaalada Hargeysa Al-Baabada la iskugu dhufto balse Go’aankaas ay Wasaaradu ka laabatay. Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Maamulka Soomaaliland Cabdullaahi Ibraahim oo ka hadlayay kulan uu la qaatay Maamulayasha Iskuuladaas ayaa waxa uu sheegay in xayiraadii laga qaaday Iskuuladaas. Waxa uu sheegay in Wasaaradu ay wadi doonto kormeerada kala duwan oo ay ku sameyneyso Macaahidda wax lagu barto ee ku yaalo Magaalada Hargeysa ee Soomaliland. Sikastaba hadalka ka soo baxay Wasaarada waxbarashada Maamulka Soomaaliland ayaa waxaa soo dhaweeyay maamulyaasha Iskuulada ku yaalla Magaalada Hargeysa. Muqdisho 22ka Agoosto 2017 Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Calii Gaas, ayaa lagu eedeeyay inuu ku fashilmay dhamaan Howlihii loo igmaday, una dhaartey, sida Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Cadaaladda. Cuqaasha, Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka Beesha Obokor Ciise, oo Shir mudo labo Todobaad uga socday magaalada Garoowe ayaa aad u dhaliilay Maamulka uu majaraha u hayo Madaxweyne Gaas. “Madaxweyne Gaas wuxuu lumiyay Kalsoonidii shacabka, kadib markii uu hareermaray hanaanka awood-qeybisga iyo heshiishii ay ku midoobeen beelaha, ee lagu dhisay Puntland,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Beesha. Gaasi ayaa lagu eedeeyay inuu sameeyay Musuq-maasuqii ugu ballaarnaa, oo aan horey usoo marin Puntland, kadib markii maamulkiisa uu daabacay lacago been abuur ah, oo saameeyay nolosha Shacabka, islamarkaana sababay Sacir barar xooggan guud ahaan Deegaanada Puntland. Odayaasha ayaa sheegay in Madaxweynaha uu ku guuldareestay, Bixin la’aanta Mushaarka Ciidamada difaaca iyo Shaqaalaha dowladda, is-hor-taagista dhisamaha Maxkamadda Dastuuriga ahayd, fashil amni oo ka jira Badda iyo Bariga iyo luminta Soohdimaha Puntland, iyadoo ay faraha ka baxeen gobollo badan. Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa loogu baaqay inuu xilka iska-casilo, maadaama uu ku fashilmay hogaanka, waxaana laga codsaday Isimada iyo waxgaradka inay wax ka qabtaan khataraha kusoo food-leh Puntland iyo Xaaladda cakiran ee ka taagan xilligan. Hoos ka akhriso Magacyada Saxiixiyaasha Bayaanka, kana daawo, isagoo vedio ahna qeybta Hoose. Muqdisho 22ka Agoosto 2017 Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maalintii Saddexaad oo xiriir ah  waxa ay kulan ku yeelan doonaan Magaalada Muqdisho. Xildhibaanada Aqalka sare ayaa maanta waxa hortegi doona islamarkaana Warbixino ay ka dhageysan doonaan Gudiga amniga iyo Xaquuqul insaanka kaas oo loo xil saaray in ay soo baaraan duqeyntii dhawaan ka dhacday deegaanka Jilib ee Gobolka Jubbada hoose. Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya ayaa horay u shaacisay,in duqeyn ka dhacday degmada Jilib lagu dilay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab,balse qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka Gobolka Jubbada dhexe ay sheegeen in duqeyntaas lagu dilay 7 Ruux oo hal Qoys ka koobnaa. Sidoo kale Guddigaan ayaa waxaa horay loogu diray in baaritaano dhab ah ay ku sameeyaan dagaalkii ka dhacay deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud iyo xiisadii Maamulka hir-Shabeelle walow xiisadaas ay dowladda Soomaaliya Go’aan ka gaartay. Australia 22ka Agoosto 2017 Xarrunta Imaam Cali ee magaalada Melbourne ayaa labo jeer dab la qabadsiiyay Saddex nin ayaa maxkamad la oo soo taagay in ay gaysteen dambiyo argagixiso ka dib markii lagu eedeeyay in ay gubeen masaajid ku yaalla magaalada Melbourne. Labada weerar ee lagu eedeeyay in ay ka gaysteen magaalada ayaa lagu bartilmaameedsaday xarun ay leeyihiin Shiicada, arrintaas ayaana la sheegay in ay dhiirigalisay kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka, sida ay booliiska dalkaasi sheegeen. Qofna waxba kuma noqonin dababkaas oo kala dhacay bilihii Nofembar iyo Disembar ee sannadkii hore. Booliiska faderaalka Australia ee magaciisa loo soo gaabiyo (AFP) ayaa sheegay in hadafka weerarradaasi ay ahaayeen in loogu cagajugleeyo dadka masaajidka ku tukada iyo guud ahaan bulshada Muslimiinta ah. “Ma dhahayno dab ayay masaajid qabadsiiyeen oo kali ah” ayuu yiri McCartney oo ah taliye ku xigeenka booliiska oo Axaddii hadlay. “Waxaan ku eedayn doonaa in weerarradani ay ahaayeen kuwo ay ka dambaysay kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka. iyaga ayaa dhiirigaliyay waxayna ugu talagaleen in ay ku cabsigaliyaan qayb gaar ah oo ka mid ah bulshada”. Labo ka mid ah raggaas oo da’dooda lagu sheegay 25 iyo 27 ayaa lagu soo oogay in ay dab qabadsiiyeen Xarunta Islaamka ee Cali, halka nin kale oo 29 jir ahna lagu soo oogay dhacdadii kale ee bishii Disembar. Arrimo qawaaniinka la xiriira dartood ayaanan magacyadooda loo sheegi karin. Booliiska ayaa raggan laga shakisan yahay ku eedeeyay in “taabacsan yihiin aragti xagjir ah oo Sunni ah”. Saddexdan nin waxaa maxkamadda Melbourne la soo taagay ammin dambe oo Isniintii ah. Dhagaysiga dacwadda ayaa laga sheegay in loo baahan yahay in la turjumo waxyaabo badan oo af ajnabi ah ku qoran, waxaana dacwadda dib dib loo billaabi doonaa 27 Nofembar. Haddii lagu helo dambiyadaas waxay mutaysan karaan xabsi cimrigaa haku furto ah. Maraykanka 22ka Agoosto 2017 Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in degdeg ku saaridda ciidanka dalkiisa ee ku sugan Afghanistan ay fursad siineyso ururada argagixisada ah. Waxa uu intaa ku daray in markii hore uu ka fekerayay in ciidamada Maraykanka uu gebi ahaanba ka saaro Afghanistan, balse aanu hadda rabin inuu sameeyo khalad la mid ah kii Ciraaq. Trump ayaa sheegay inuu ka weecanayo hannaanka waqtiga ku xiran, oo uu xoogga saarayo mid salka ku haya wax ka qabashada xaaladda Afghanistan inta ay doonta ha qaadatee. “Maraykanku waxa uu la shaqeyn doonaa dowladda Afghanistan ilaa iyo inta laga gaarayo hormarka dalkasi,” ayuu yiri madaxweynaha. Pakistan ayuu u digay, asagoo sheegay in Maraykanka aanu u dulqaadan doonin in dalkaasi uu “hoy u noqdo” ururada xagjirk ah. Madaxweyne Trump oo laga filayay inuu ku dhawaaqo kordhinta tirada ciidanka ka jooga Afghanistan, ayaa arintaa ku gaabsaday, waxaana uu sheegay in aanu ka hadli doonin tirada askarta iyo qorshahooda. Janaraalka haysta ciidamada Maraykanka ee Afghanistan ku sugan, John Nicholson, ayaa codsaday 4,000 oo askari oo dheeraad ah in dalkasi la geeyo. Khudbada madaxweyne Trump ayaa muujinaysay inuu ka filayo dalalka xulafada la ah inay kordhiyaan askarta ka joogta Afghanistan iyo weliba kharashaadka ay ku bixiyaan ciidamadaasi. Maraykanka ayaa dabayaaqadii 2014 si rasmi ah u joojiyay howlgalada ciidan ee ka dhanka ah ururka Taliban, balse waxaa Afghanistan ka jooga ciidan sida gaarka ah u tababaran oo kalmeeya xooggaga dalkaasi. Tirada ciidamadaasi Maraykanka ah ee Afghanistan ku sugan ayaa gaaraysa 8,400 oo askari. WARARKA MAANTA 21ka Agoosto 2017 Sir Culus Su’aalaha Maanta: Meeqo Madaxweyne Gobaleed ayaa xilka laga tuuri doonaa? Maxuuse Agaasimaha Madaxtooyadda ugu bixiyey $ 2.4 xilka qaadista Madaxweynaha Dowladda Gobaleedka Hirshabelle? Ma ogtahay Dowladda Soomaaliya Dowlad Gobaleedka ay ka takhalusi doonto si ay xukunka uga dhigto xukun adag oo hal meel wax laga xukummo ayadoo la tirtirayo Dastuurka Federaalka? Maxay tahay sababta uu Madaxweyne Dr. Cabdiweli Cali Gaas ugu wareejiyey dekkadda Bossasso Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka? Maxuuse sharciga fedaraalka ugu tumanayaan oo u daba-maray go’aankii Dowladda Soomaaliya ee dhex-dhexaadnimada ahaa? Ma oga miyaa asagoo aan cid taqaana jirin inuu Madaxweyne Mudane Farmaajo ka dhigay Wasiir kadibna dalka ka noqday Wasiirkii Iyo Raysal Wasaarihii ugu musuqmaasuqa badnaa sida ay wada qireen shaqaalihii iyo wasiiraddii la soo shaqeeey Cabdiweli Cali Gaas markii uu ahaa Wasiir Iyo Markii uu noqday Raysal Wasaare intaba? Maxayse maanta u qaylinayaan Ummadda reer Puntland State oo fahantay khiyaanada iyo musuqmaasuqa baahsan ee ay ku dhaqmayso Dowladda Gobaleedka Puntland State? Maxayse haddii ay Dowlad Gobaleedka Puntland State hirgalisay Dastuurka Federaalka, maxay ugu tumanaysaa/ama hadda u abuuraysaa khilaaf siyaasaddeed? Mise sheeko kala jirtoo way soo bixi doontaa! Muqdisho 21ka Agoosto 2017 Gudoomiyaha Guddiga Dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale (Cabdi Qeybdiid) ayaa sheegay inay Waajib tahay in la dardargaliyo dhameystirka dastuurka qabyo qoraal ah ee dalka si loogu diyaar garoobo Doorashooyin qaran oo qof iyo Cod lagu soo Doorto Hogaanka Dalka. Xildhibaan Cabdi Qeybdiid ayaa tilmaamay inay Dadajinayaan dhameytirka Dastuurka, ayadoo latashi lala Sameynayo Qeybaha kala Duwan Shacabka Soomaaliyeed si Dastuurku uu u noqdo mid ku salaysan rabitaan dalka iyo Dadka una Adeegaya Danaha Qaranka Soomaaliyeed. Ugu danbeyntii Xildhibaan Cabdi Qeybdiid ayaa Xusay inay Guddiga Dastuurka oo ka Kooban Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka ay u diyaar garoobeen Fududeynta Sidii Doorasho Qof iyo Cod ah ay Dalka uga dhici la heyd Marka la gaaro Sanadaha 2020-2021 midkii Dowladda Soomaaliya Maamul Gobaleedyada ay u Heshiiyaan ay Doorasho Dhacdo. Puntland State 21ka Agoosto 2017 Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Gobaleedka Puntland Mudane Eng.Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay ayaa soo saaray Amaro filan waa ku noqoday Ganacsata Magaalada Boosaaso gaar ahaan Kuwa Badeecoonyinka ay uga Soo dagaan Dekeda Magaaladda Boosaaso. Eng- Camay ayaa ku Amaray Ganacsata Dekeda Magaalada Boosaaso aysan wax Badeecooyin soo dajin doonin marka lagaaro 15 bisha Setemper 2017 ciidaan haysan Shahaado ganacsi islamarkaan aan iska soo diwaan galin Wasaarada Ganacsiga Puntland. Hadalkaan ayuu ka sheegay Madaxweyne kuxigeenka Puntland xilli uu ka qeybgalay munaasabad lagu daahfuray waaxda Tayo dhawrka oo ka qabsoontay magaalada Garowe, waxaana ka qeybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle (Indha guran) Gudoomiye kuxigeenka Baarlamanka Puntland, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano, Ganacsato, Haween iyo Marti sharaf kale. Waxaa bahwadaag ku ah barnaamijkaan Wasaaraddaha kala ah Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland, Wasaarada Xanaanada Xoolaha, Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Puntand,Wasaaradda Caafimaadka,Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Wasaaradda Kaluumaysiga Puntland. Kismaayo 21ka Agoosto 2017 Cabdi faarax Siciid Juxa,Wasiirka arrimaha Gudaha iyo dib u heshiinta Soomaaliya oo shalay gaaray Magaalada Kismaayo ayaa Maanta la filayaa uu furo shir xasaasi ah. Shirkaan ayaa ah mid u dhaxeeya Golayaasha dowladaha hoose kaas oo mid la mid ah horay uga dhacay magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay. Qaban qaabada furitaanka shirka ayaa haatan laga dareemayaa Kismaayo,waxaana ku sugan wufuud kala duwan oo ka kala socda Maamul goboleedyada. Wasiir Juxa ayaa markii uu shalay tegay Kismaayo waxa uu sheegay in dhamaan xarumaha Maamul Goboleedyada shirkaan lagu qaban doono. Sacuudiga 21ka Agoosto 2017 Shirkadda diyaaradaha qaran ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in dowladda Qadar aanay weli siin ogolaansho ah inay dalkaasi kasoo daabusho dadka doonaya in sanadkan ay soo xajiyaan. Labada dal ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay waxaa ka dhex taagnaa xiisad diblomaasi, taasoo keentay in xukuumadda Riyad iyo dalal kale oo xulafo la ah ay xiriirka u jaraan Dooxa, isla markaana ka xirtaan xuduudaha dhulka, badda iyo hawada. Dowladda Sacuudiga ayaa todobaadkii lasoo dhaafay shaacisay in ay soohdinteeda u furayso xujeyda Qadar, tallaabadaasi oo u muuqatay mid muujinaysa in xiisadda ay hadda hoos u dhacday. Shirkadda diyaaradaha ee Sacuudiga ayaa sheegaysa in maalmo ka hor ay u gudbisay xukuumadda Qadar codsi ah inay dalkaasi ka qaado xujeyda doonaysa inay hawada ku safraan, balse aanay wax jawaab ah helin. Dalalka go’doomiyay Qadar ayaa ku eedeeyay inay taageerto ururo ay ku sheegeen argagixiso, eedeyntaasi oo ay beenisay xukuumadda Dooxa. Muqdisho 21ka Agoosto 2017 Ka dib markii Madaxweynaha Galmudug uu shalay xildhibaanada Baarlamaankaasi uu ka codsaday in loo ansixiyo in uu soo celiyo Wasiiraddii uu soo magacaabay Madaxweynihii hore ee Galmudug Mudane Cabdi kariin Xuseen Guuleed ayaa arintaasi waxaa ka hor yimid Xildhibaanada Galmudug. Xildhibaanada ayaa badankood diiday arintaasi waxaana ay ka codsadeen Madaxweynaha in uu soo magacaabo Wasiiro cusub. Xildhibaan Duraan Cali Jaamac oo ka mid ah Xildhibaanada Galmudug ayaa sheegay in Madaxweynaha laga diiday codsigaasi,islamarkaana laga doonaayo in uu dhiso wasiiro cusub. Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in Galmudug uu isbadel ka dhaco,islamarkaana loo baahan yahay wasiiro wax u qaban kara Shacabka Galmudug. Kenya 21ka Agoosto 2017 Militriga dalka Kenya ayaa ku wergeliyay dadka ku nool keymaha Boni ee ku dhirirsan xeebaha dalka Kenya in ay isaga baxaan muddo 48 saac gudahooda iyadoo la qorsheynayo in bambaanooyin culus lagu garaaco keymahaasi oo la rumeesan yahay in ay ku dhuumaaleesanayan dagaalyahada Xarakada Al shabaaab. Amarkaan waxaa aqriyay madaxa howlgalka Linda Boni Joseph Kanyiri waxaana uu ku booriyay dadka deegaanka ee halkaasi ku nool in keymaha ay ka fogaadaan. “Waxaan jecelnahay iney dadku ka fogaadaan keenta waa qeyb kamid ah howlgalkeena ma dooneyno in qof kale ay waxyeelo ka soo gaarto duqeymaha aan la beegsaneeno Al-shabaab waxeynu idiin siinay 48-saacadood in aad adinka iyo xawaaankiina ugu baxsataan”, sidaas ayuu ku yiri shir jaraaid uu  magaalo xeebeedka Mombasa uu ku qabtay  madaxa howlgalka Linda Boni Joseph Kanyiri. Digniintaan cusub ayaa ku soo beegmeysa xili Al-shabaab weeraro kala duwan ay ka geestaan deegaanadaasi labadii bilood ee la soo dhaafay oo ugu yaraan 20 kamid ah police-ka Kenya ay ku dhinteen iyo fulinta miinooyin dhulka lagu aaso. Keenta Boni ayaa dhacda xadka Kenya iyo soomaaliya ay wadaagaan. Muqdisho 21ka Agoosto 2017 Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in Muwaadiniinta Soomaaliyeed si sharci daro ah la isaga xiro. Waxa uu sheegay in dadka lagu xirayo Saldhigyada in la hubiyo hadii aysan dambi lahayn la iska fasaxo oo la sii daayo hadii kalena si deg deg ah loo gudbiyo Hay’addaha Garsoorka. Waxa uu sheegay in ay la xisaabtamayaan Taliyeyaasha Saldhigyada hadii ay qof si sharci daro ah ku xiraan. Waxa uu sheegay in Xafiiskiisa uu ka shaqeyn doono Cadaaladda iyo in dadka Soomaaliyeed si siman loogu garsooro. Masar 21ka Agoosto 2017 Madaxweynayaasha Soomaliya iyo Masar Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo Cabdifitaax Al Siisi oo kulan kuwada qaatay magaaladda Qaahira ayaa kawada hadlay xiriirka labada dal. Masar State 21ka Agoosto 2017 Xaqiijinta Ammaanka wadanka Soomaaliya ayaa noqday Ajandaha ugu weyn ee ay iskula soo qaadeen Kulan ay ku yeesheen Magaalada Qaahira. Dowladda Masar ayaa ballan qaaday in Soomaaliya ay ka gacan siin dooto sugida Nabad Gelyada guud ahaan , iyo Xasilinta Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Afhayeenka Madaxtooyada Masar Calaa Yuusuf Madaxweynaha Masar ayaa ugu Hambalyeeyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Guushii uu ka gaaray doorashadii Madaxtinimo ee Soomaaliya Bishii February ee sanadkaan. Sidoo kale Cabdifitaax Al Siisi ayaa soo dhaweeyay Cilaaqaadka labada dal oo uu sheegay in uu yahay mid wanaagsan islamarkaama Taariikh fog leh. Madaxweynaha Masar ayaa u ballanqaaday Wafdiga dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo in dowladda Masar ka taageeri doonto Soomaaliya dhinac kasta, sida dib u dhiska Hay’adaha Dowladda, Dhismaha Ciidamada Qalabka sida,islamarkaana ay kala kaashan doonaan Soomaaliya isdhaafsiga wax soo saarka labada Dal , sida Kalluunka iyo Xoolaha si ay kaalin uga geystaan Kobaca dhaqaalaha labada Dal. Sidoo kale Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in ay la kulmaan Imaamka Ugu Weyn Al Azhar Al Shariif Diktoor Axmed Al Dayib kaas oo ay ka wada hadli doonaan arrimo kala duwan , gaar ahaan sida looga hortagi karo waxa loogu yeero Kooxaha Argagixisada . https://www.youtube.com/watch?v=OE1l1exxhM8 Madaxweynaha xilka laga qaaday ee dowlad-gobolleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ka soo horjeestay go’aanka ay dowladda federaalka ku taageertay go’aanka uu baarlamaanka Hirshabeelle xilka uga qaaday. Xilka qaadista wuxuu ku sheegay inay tahay sharci darro,wuxuuna marka go’aanka dowladda ee ka soo baxay wasiirro xaqiiqo raadib loogu dirray Jowhar ku sheegay mid uu filayay. “24 saac in mooshin lagu keeno laguna qaado xilna loogaga qaado madaxweyne maqan ma ahan mid sharci ah….Qoraalka ay soo saareen waa mid taladooda ah oo raqiis ah, madaxweynaha sharciga ahna waa anniga.” Cosoble waxaa la waydiiyay haddii ay dowladda taageertay go’aanka uu xilka looga qaaday taallabada uu qaadayo -” Fal dambiyeed ayaa la galay maxkamada sare ayaan u gudbinay sharciyaqaano ayaa arrintaas u bandhignay maxkamad ayaan ku kala baxaynaa.” Gabagabadii,wuxuu caddeeyay madaxweyne Farmaajo inuu la kulmay,wuxuuna marka tilmaamay madaxweynaha inuu u sheegay arrinta ku aadan khilaafka in laga hadli doonno marku ka soo laabto booqashada uu ku tagay Masar   https://www.youtube.com/watch?v=7tejmZj80Yg WARARKA MAANTA 20ka Agoosto 2017 Sir Culus Su’aalaha Maanta: Maxay tahay sababta Dowladda Soomaaliya ee ay hoggaminayaan Madaxweyne Muane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo “Been-Hawaas” Iyo Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raamsade” ay ugu soo darsadeen golaha wasiiradda rag wada khaa’inul waddan ah oo sida la xaqiijiyey Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raamsade” uu kamid yahay? Maxayse Ummadda Soomaaliyeed u qaban karaan rag wasiiro laga dhigay ayagoo la ogyahay dembiyada ay dadka, diinta iyo dalka ka galaan kuwaasoo xitaa ay kamid yihiin dembiyo dil, kufsi iyo xatooyo hanti qaran? Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raamsade” waa khaa’inul waddan la mid ah Raysal Wasaarihii hore Senator Cumar Cabdirashiid Cali Iyo Wasiirkiisii Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo si cad ugu saxiixay dhul badeed ay leedahay Ummadda Soomaaliyeed dowladda Kenya taasoo ay ka soo dhigeen Golaha Shacabka ee Dowladdii Ku-Meel-Gaar ahayd iyo Ummadda Soomaaliyeed! Yaa runta qarin kara maanta waa kaas ay Hay’adda Soma Oil and Gas kashiftay Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raamsade”inuusan wax saami ah ku darsan isla-markaasna uu rabay inuu u sahlo sidii loo dhici lahaa kheyraadka Illaahay ku mannaystay Ummadda Soomaaliyeed. Dowladda Wada Dadban shaqadeeda hadda waa inay fuliso inkhilaabyo iyo maalgelinaysa kala dirida Maamul Gobaleedyadda si loo sameeyo dowladda dhexe oo hal meel looga talliyo balse waa riyo kamid ah riyooyinka Dowladda Wada Dadban. Jowhar 20ka Agoosto 2017 Magaalada muqdisho waxaa ku sugan Cali Cabdulalahi Cosoble Madaxweynihii Maamulka Hir-Shabeelle,kaas oo Xildhibaanada Hir-Shabeelle ay dhawaaan sheegeen in ay xilkii ka qaadeen. Cosoble,ayaa maalmihii uu ku sugnaa Jowhar waxa uu ku guuldarestay in uu isusoo dhaweeyo Xildhibnada Hir-Shabeelle ee diidan,waxana intaasi kadib uu shalay gelinkii dambe uu soo gaaray Magaalada Muqdisho. Ujeedada safarkiisa ayaa lagu sheegay sidii uu ula kulmi lahaa madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya si xal looga gaaro xiisada Hir-Shabeelle. Sidoo kale Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in Cosoble,uu ka qeybgeli doono kulan Wakiilada Beesha Caalamka ay ku leeyihiin Xarunta Xalane,waxana sidoo kale la sheegay in uu u gudbiyay dacwad ka dhan ah dowladda Soomaaliya oo uu ku eedeeyay in ay ka dambeysay xilka qaadistii lagu sameeyay. Sidoo kale Muqdisho waxaa haatan ku sugan Gudoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cusmaan Bare Maxamed kaas oo ay u yeertay dowladda Federaalka Soomaaliya,islamarkaana uu la qaatay kulamo kala duwan,in kastoo waxyaabihii ka soo baxay aan Warbaahinta lala wadaagin. Muqdisho 20ka Agoosto 2017 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw ka dhoofay Garoonka Aadan Cabdulle keddib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Masar Mudane Abdulfataax Al Sisi. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doona adkeynta xiriirka soojireenka ah ee labada dal iyo iskaashiga dhinacyada Waxbarashada, Beeraha, Socdaalka, Duulista Hawada iyo Tamarta iyo Biyaha. Safarkn waxaa Madaxweynaha ku wehliya Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Beeraha, Wasiirka Tamarta iyo Biyaha, Wasiiru Dowlha waxbarashada iyo xildhibaanno. Puntland 20ka Agoosto 2017 Madaxwayne kuxigeenka maamulka Puntland ahna kusimaha madaxwaynaha Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey oo warbaahinta la hadlay ayaa wax aan faa’iido lahayn ku tilmaamay dagaalka magaalada Buuhoodle ka dhacay maalinkii shalay. Camey waxa uu sheegay dagaal inay garanayaan reer Buuhoodle inuu waxba soo kordhinayn, waxaana uu ku booriyay siwadajir ah in looga qaybgalo joojinta dagaalkan. Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland ayaa xusay inuu xiriir kale duwan uu la sameeyey isimada dhaqanka oo ku sugan meelo kale duwan oo ay Muqdisho ka mid tahay, lana rajanayo inay maalinta berito u ambaxayaan magaalada Buuhdoole si looga qayb qaato kahortagidda dagaalo kale oo dhaca. Madaxwayne kuxigeenka Puntlad ayaa dhanka kale sheegay ka xukuumad ahaan inay wafdi u dirayaan oo wasiiro iyo xildhibaano isugu jira kuwaasi oo xal ka gaari doona dagaalka kasoo cubnooday magaaladda Buuhoodle. Bariire 20ka Agoosto 2017 Ciidamada dowladda Soomaliya oo ay wehliyaan Ciidamada Amisom iyo kuwo Cadaan ah ayaa xalay Sinabad ah ugu hoyday deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha hoose oo ay shalay Al-Shabaab kala wareegeen. Dagaal mudo saacado ah socday kadib ciidamada Huwanta ay u suurtagashay in ay sibuuxda ula wareegaan deegaanka Bariire halkaas oo ay mudo dhowr sano ah Gacanta ku hayeen ciidamo ka tirsn Al-Shabaab. Ciidamada Huwanta ah ayaa fariisimo ka samestay Duleedka degaanka Bariire,iyada oo la soo sheegayo in xalay xoogaa rasaas Goos Goos ah laga maqlay deegaanka Bariire. Wararkii u dambeeyay ee saakay naga soo gaaraya Bariire ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu iminka ay tahay mid degan islamarkaana ciidamada Huwanta ah ay weli ku sugan yihiin Bara koontorool oo ay shalay ka sameesteen daafaha deegaanka Bariire Jubbaland State 20ka Agoosto 2017 Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) ayaa sheegay in dhibatooyinka la xiriira dhanka isqabqabsiga dhulalka ay ka jiraan Magaalada Kismaayo. Waxa uu sheegay in markii uu la kulmay Bulshada qeybaheeda kala duwan ay tahay cabashada ay u soo gudbinyaan dhibaatooyin ay sababeen isqabqbsiga dhulalka. Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in dhawaan uu wareegto ka soo saari doono isqab qabsigaas si looga gudbo. Malta 20ka Agoosto 2017 Ciidamada Booliska Jasiirada Malta ayaa xiray labo nin oo Soomaali ah ka dib markii lagu eedeeyay in ay dambiyo kala duwan ay ka galeen dalkaasi,islamarkaana ay ciidamada Booliska ay ku guuleysteen in ay soo qabtaan. Booliska waxa ay sheegeen in labadaan nin lagu eedeeyay in ay geysteen Fal xatooyo ah ,haddana ay ku socoto baaris. Magacyadda labada Muwaadin ee Soomaaliyeed ee ay xireen Ciidamada Booliska Malta ayaa lagu kala Magacaabaa Shaban Aadan Jaamac oo 21 sano jir ah iyo Maxamed Xabiib Xaashi 22 sano jir ah. Labaddaan nin ayaa lagu eedeeyay in ay dhaceen alaab uu watay nin u dhashay dalka Ruushka, islamarkaana ay Magaalada ku dhex carareen Ciidamada ayaana ugu dambeyntii ku guuleystay in ay soo qabtaan. Kormeeri sare oo ka tirsan ciidamada Booliska Malta ayaa sheegay in raggaan sharciga la marsiin doono ,islamarkaana hadii dambi lagu waayo sida ugu dhaqsiyaha badan loo sii deyn doono. Jasiiradda Malta ayaa waxaa ku xiran Soomaali badan oo qaarkood lagu eedeeyay in ay geysteen falal dil ah. Ciraaq 20ka Agoosto 2017 Ra’iisul Wasaaraha dalka Ciraaq ayaa ku dhawaaqay dullaan ka dhan ah kooxda isugu yeerta khilaafada islaamka ee ISIS. Haider al-Abadi ayaa sheegay inay doonayaan in ay la wareegaan gacan ku heynta magaalada Tal Afar oo ah magaaladii ugu dambeesay ee ay ku xooganyihiin kooxda ISIS. Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay telefishenka qaranka, waxaana uu intaa ku daray in kooxda Daacish ay u furantahay laba wado oo kala ah, inay isa soo dhiibaan ama in la dilo. Magaalada Tal Afar ayaa sidoo kale waxaa ku harereesan ciidamada dowladda Ciraaq, dagaalyahanada shiicada iyo kuwa Peshmerga-ka. Waxaana sidoo kale magaalada dul hehaabaya diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka iyo kuwa ciidamada Ciraaq, kuwaa oo duqeynaya magaalada kahor dullaanka uu ku dhawaaqay ra`iisul wasaaraha dalkaasi. Magaalada Tal Afar ayaa sideetan kilomitir u jirta magaalada Mousil oo dhawaan laga qabsaday kooxda ISIS. Khaatumo State 20ka Agoosto 2017 Madaxweynaha maamulka Khaatuma Cali Khaliif Galeyr oo ka hadlay dagaalkii xooggana ee shalay Magaalada Buuhoodle ayaa waxaa uu sheegay in ay nasiib daro tahay in maanta lagu dagaallamayo Magaalada Buuhoodle. Isagoo ku sugnaa goob laga maqlaayay rasaas Xooggan ayuu sheegay Cali Khaliif in waxa Magaalada isku diriraayo ay yihiin dadkii Khaatumo oo la isku diray. Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Khaatuma aysan dani ugu jirin Maamulada Somaliland iyo Puntland oo ay u kala janjeeraan. Dhanka kale waxaa uu sheegay in waxgaradka degaanada maamulka Khaatuma laga doonaayo in ay qaataan doorkooda ,islamarkaana ay xaliyaan colaada Magaalada Buuhoodle. Muqdisho 20ka Agoosto 2017 Magaalada Muqdisho waxaa safar aan lasii shaacinin ku jooga Wasiirkii hore Ee Wasaarada arimaha dibada maamulka Somaliland Maxamed Cabdulaahi Cumar Dr. Maxamed Cabdilaahi ayaa warar hor dhac ah ee laga helayo safarkiisu sheegayaan inuu kulamo la qaatay Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre, islamarkaana ay kawada hadleen arrimaha Somali-land iyo Dowladda Soomaliya. Sidoo kale wararka ayaa waxa ay sheegayaan  in Dr. Maxamed Cabdilaahi uu wali ku sugan yahay Muqdisho,islamarkaana aan waxa hadal laga helin qodobada ugu muhiimsan uu kala hadlay madaxda Dowladda Soomaliya. Wasiirkii hore ee arimaha dibada somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayey sidoo kale wararku sheegayaan inuu ka qayb galay shirar kadhacay magaalada Muqdisho kuwaas oo lagaga hadlayey amaanka wadanka soomaaliya. Dr.Maxamed Cabdilaahi Cumar oo hore u soo noqday wasiirka arimaha dibada somaliland, ayaa haatana ka mid ah saraakiisha sar sare ee xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye. Xukuumada somaliland ayaa dhawaan shirkii golaha wasiirada ku go’aamisay inaanay muwaadiniintu u safri Karindalka soomaaliya, bals waxa laga war dhawrayaa talaabada ay ka qaadi doono Dr.Maxamed Cabdilaahi oo ahmasuul ka tirsan xisbiga Kulmiye. Puntland State 20ka Agoosto 2017 Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas oo ku sugan dalka boqortooyada Sacuudiga ayaa baaq nabadeed u dirrey labo beelood oo maanta ku dagaallamay degmada Buuhoodle. Cabdiweli wuxuu ku baaqay si deg deg ah in xal loogu helo dagaalka,wuxuu ugu baaqay hay’adaha dowladda iyo bulshada qeybaheeda inay wada-jir uga shaqeeyaan sidii looga hortagi lahaa dagaal mar kale dhiig ku daato. Inta la xaqiijiyay siddeed ruux ayaa ku dhintay dad ka badan toban ruuxna waa ay ku dhaawacmeen dagaalka maanta ka dhacay Buuhoodle,kaaso ka bilowday dil dhawaan ka dhacay magaalada oo la sheegay ninkii geystay inuu fakaday. Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan markii odayaasha iyo wax-garadka deegaanka ay ku guuleysteen in la joojiyay dagaalka dhacay. Hoos ka akhri baaqa uu soo saaray madaxweynaha Puntland http://www.somaoilandgas.com/shareholders/ WARARKA MAANTA 19ka Agoosto 2017 Sir Culus Su’aalaha Maanta: Meeqo Wasiir oo wax kufsaday ayaa ku jira xukuummadda Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raamsade”? Ma jirtaa inuu Madaxweynaha gabar uu kufsaday ay kamid tahay golaha xildhibaannadda Soomaaliya ee Aqalka Hoose? Maxuuse Wasiirka Maalliyadda Soomaaliya uga been sheegau dakhliga dalka asagoo ku jaanjooyey lacag shisheeye oo ah Ameerikaan doolar miisaaniyaddii dalka Soomaaliya? Maxayse ku dhacday inaysan Dowladda Soomaaliya isticmaali karin shillin Soomaali? Toddobaadka soo socda waxuu Agaasimaha Guud Wasaaradda Warfaafinta idin soo gudbin doonaa warar sir culus ah oo ka sheekaynaya dembiyo culus oo ay horay u soo galeen qaar kamid ah madaxda dallka ee hadda haysa xukunka ayagoo si cad loo wada kashifi doono! La socda xaqiiqda iyo dembiyada ay dadka, diinta iyo dalkaba ka galeen. Muqdisho 19ka Agoosto 2017 Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa sheegay in Puntland ay qaaday tilaabo khaldan oo aan u hiilinayn Soomaaliya isla markaana madaxda Puntland midnimada Soomaaliya ay ka door biday dano gaar ah uu filayo in aysan dadka reer Puntland aysan madaxwayne Gaas ku taageersanayn go’aankaas aan dalka anfacayn Samater oo u Waramay Laanta afka Soomaliga ee Voa-da ayaa sheegay In Go’aanka Puntland ay qaadatay uu yahay mid aan marna sax aheyn islamrkaana uu ka hor imaanayo midowga Umadda Soomaliyeed. Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo  ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed  ayaa ugu baaqay  Dowlada Soomaliya dhankeeda in ay ka hadasho arinta maamul goboleedyadda ay qaateen ee ku aadan Dowladda Qatar laga soo horjeysto islamarkaana taageero loo muujiyo Dowladdda Imaaraakdka iyo Sacuudiga. Hirshabelle State 9ka Agoosto 2017 Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa lagu waddaa in uu maanta la kulmo Mas’uuliyiinta Sarsare ee dalka  si xal looga gaaro xaaladda Siyaasadeed ee ka jirta Magaalada Jowhar. Sheekh Cusmaan Barre Maxamed ayaa shalay Gelinkii dambe soo gaaray Magaalada Muqdisho ka dib markii diyaarad Khaas ah looga soo qaaday Jowhar. Wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya shalay tagay Magaalada Jowhar , waxaana ay la kulmeen labada dhinac ee isku haya Jowhar. Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa dalab culus Koonfur Galbeed19ka Agoosto 2017 Xildhibaano  ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay Qaab-dhismeedka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay Tilmaameen in uu ku dhisan yahay Hanan aan Waafaqsanayn Dastuurka Maamulka Koofur Galbeed oo Muujinaya Qaab-Dhismeedka Xukuumada iyo Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed. Xildhibaan Idriis Dhaqtar oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ee ka soo Jeeda Deegaanada Koofur Galbeed kana mid ah Xildhibaanada Mooshinka ka Wada Maamulkaas ayaa Sheegay Madaxweyne Shariif Xasan uu Jabiyey Dastuurka Maamulka ka dib isbadalkii uu ku Sameeyey Golaha Wasiirada. Xildhibaanka ayaa sharci daro ku qeexay Wasiiru-Dowlayaasha uu dhawaan soo magacaabay Hogaamiyaha Koonfur Galbeed kuwaasi oo uu sheegay inay ka hor imaanayaan Dastuurka Koofur galbeed oo aan dhigayn Magacaabid Wasiiru-Dowlayaal waxa uuna Xusay in Madaxweyne Shariif uu bur-buriyey Hanaankii awood qeybsiga  Beelaha Taasi Abuuraysa Isfahan-waa iyo Daganaansho la’aan siyaasadeed oo ka dhex-timaada Maamulka Koofur Galbeed. Turkey 19ka Agoosto 2017 Madaxweynaha Turkiga, Rajab Tayib Erdogan Madaxweynaha Turkiga, Rajab Tayib Erdogan, ayaa ku tilmaamay hogaanka Jarmalka mid “cadow” ku ah dalkiisa, asagoo ugu baaqay dadka asal ahaan Turkiga ka soo jeeda ee haysta dhalashada Jarmalka in aanay u codeyn isbahaysiga hadda u taliya dalkaasi. Doorashada guud ee Jarmalka ayaa dhici doonta 24-ka September ee sanadkan, waxaana codkooda ka dhiiban doona ku dhawaad milyan qof oo Jarmal ah balse asal ahaan ka soo jeeda Turkiga. Qaar badan oo ka mid ah dadkaasi ayaa taageersan madaxweyne Erdogan. “Xisbiyada kala ah Christian Democrats [CDU], Social Democrats [SPD], iyo Green Party waxay dhammaantood cadow ku yihiin Turkiga,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan. Ma aha markii ugu horaysay ee uu Erdogan hadalo adag u adeegsado Jarmalka. Labadan dal ayaa leh xiriir dhaqaale oo ballaaran, sidoo kale waxay ka wada tirsan yihiin gaashaanbuurta NATO. Muranka u dhexeeya labada dal ayaa sii xoogaystay wixii ka dambeeyay isku-daygii afgembi ee Turkiga ka dhacay 15-kii July 2016, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 240 qof. Xukuumadda Ankara ayaa Jarmalka ku eedeysay inay magangelyo siisay askar loo haysto inay qeyb ka ahaayeen isku-daygaasi. Waxaa arinta uga sii daray markii uu Jarmalka u diiday mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga madaxweyne Erdogan inay olole ka sameeyaan gudaha dalkaasi, ayagoo xilligaa jaaliyadda Turkiga ah taageero uga raadinayay aftidii dhacday bishii April Maraykanka 19ka Agoosto 2017 Steve Bannon ayaa aad ugu dhawaa madaxweyne Trump Madaxa istaraatajiyadda Aqalka Cad, Steve Bannon, oo ka mid ah shakhsiyaadka aadka ugu dhaw madaxweyne Donald Trump, ayaa xilka laga qaaday.Bannon oo afkaartiisu ay u janjeerto midig, ayaa ahaa ninkii ka dambeeyay in Trump uu ololihiisii doorashada ku saleeyo fariinta ah “Danaha Maraykanka ayaa waxkasta ka horreeya.” Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweyne Trump uu ka carooday waraysi uu Bannon siiyay wargeyska American Prospect, kaasoo uu ku sheegay inaanay suuragal ahayn in awood milateri wax looga qabto khatarta Kuuriyada Waqooyi. Bannon ayaa u sheegay wargeyska in Maraykanka uu “dagaal dhaqaale” kula jiro Shiinaha, isla markaana uu doonayo inuu Aqalka Cad ka saaro dadka aan fekerkaasi la wadaagin. 63 jirkan ayaa lagu eedeeyay inuu taageersan yahay qolyaha caddaanka cunsuriyiinta ah, isla markaana uu naceyb u qabo Muslimiinta iyo Yuhuuda. Waxa uu si weyn ugu ololeeyay xannibaada uu Maraykanka saaray dadka ka yimaada lix dal oo Muslim ah. Kenya 19ka Agoosto 2017 Hogaamiyaha mucaardka Kenya, Raila Odinga Isbaheysiga mucaaradka ee dalka Kenya ayaa xalay saqdii dhexe maxkamadda sare u gudbiyay dacwad ka dhan ah natiijadii doorashada oo guddiga doorashada uu ku dhawaaqay in uu ku guuleystay Uhuru Kenyatta. Xisbiga Odinga ee NASA ayaa horay u sheegay in aysan aadi doonin maxkamadda, balse ay gao’aankaasi qaateen ka dib markii ay arkeen ”sida ay dowladda ugu cagajugleyneysa hay’adaha aan dowliga ahayn ee doonayay inay maxkamadda geeyana dacwad ka dhan natiijada doorashada. Mr Odinga ayaa horay u sheegay in doorashadaasi loogu shubay Uhuru Kenyatta. Guddiga doorashada ayaa horay u beeniyay eedeyntaasi. Goobjoogayaasha caalamiga ah ayaa ku sheegay doorashada mid u dhacay si xor ah, waxyna ku baaqeen xasilooini. Mr Odinga ayaa sheegay in mucaaradkauu hayo cadddeymo muujinaya in lagu shubtay doorashada, waxaana toddobaadyada soo socda laga dhowrsugayaa go`aanka maxkamadda sare ay gaarto murranka ka dhashay natiijada doorashada. Hirshabelle State 19ka Agoosto 2017 Wasiir dowlaha Amniga maamulka Hirshabeelle Bishaar Xasan Xirsi oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Jowhar, waxaa uu sheegay in loo diiday in uu galo Hoteel uu ka deganaa Magaalada Jowhar,islamarkaana ciidamo hubeysan oo ka tirsan maamulka Hirshabeelle ay ku qabteen qoryo. Waxaa sidoo kale sheegay in arintaasi ay ka dambeeyeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle sida Wasiirka Arrimaha Gudaha. Wasiir dowlaha sidoo kale sheegay in xaaladooda Amniga ay Qatar ku sugan tahay Maadaama loo handadaayo. Magaalada Jowhar ayaa wali waxaa ka taagan xiisad siyaasadeed oo kacsan, waxaana xildhibaano iyo Wasiiro uu wato Madaxweynihii xilka laga qaaday la sheegay in ay dhibaato ku hayaan dadka kasoo horjeeda. WARARKA MAANTA 16ka Agoosto 2017 Sir Culus Su’aalaha Maanta: Maxuu noqon doonaa Xilka loo magacaabi doono Taliye Ku-xigeenkii Ururuka Argagixisadda Al-Shabab Shiikh Mukhtaar Rooboow oo si dhow ula shaqaynaayey rag ka tirsan Dowladda Soomaaliya tan iyo markii uu madaxda ka noqday Ururuka Argagixisadda Al-Shabab ilaa iyo hadda oo uu isa soo dhiibay? Maxuu ahaa xiriirka ka dhaxeeyey Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre Iyo Taliye Ku-xigeenkii Ururuka Argagixisadda Al-Shabab Shiikh Mukhtaar Rooboow? Maxuuse rabaa inuu Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre u magacaabo Taliye Ku-xigeenkii hore ee Ururuka Argagixisadda Al-Shabab Shiikh Mukhtaar Rooboow? Waa xaqiiqo rab badan oo la soo wada shaqeeyey Taliye Ku-xigeenkii hore Ururuka Argagixisadda Al-Shabab Shiikh Mukhtaar Rooboow inay hadda jaggooyin sar-sare ka hayaan Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Iyo Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre kuwaasoo la ogyahay shaqooyinkii muhiimka ahaa inay siiyaan rag badan oo dembiyo adag ka galaya Ummadda Soomaaliyeed, Diinta Iyo dalkaba. Maraykanka 16ka Agoosto 2017 Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa mar kale labada dhinacba ku eedeeyay daganaansho la’aanta deegaanka Charlottesville ee ku yaalla gobolka Virginia ee dalka Maraykanka. War qoraal ah oo uu soo saaray Isniintii ayuu madaxweynuhu ku cambaareeyay dadka cad ee cunsurinamadoodu xad dhaafka tahay. Laakiin isaga oo Talaadadii ku sugan magaalada New York ayuu qolyaha garabka-bidix ku eedeeyay in ay dhibaatada qayb ka yihiin. Sidoo kale wuxuu difaacay wakhtiga ay ku qaadatay in uu qoraal ka soo saaro xaaladdaas, isaga oo sheegay in uu rabay in uu helo xogta dhabta ah ee arrintaas ku saabsan oo dhamaystiran. Heather Heyer oo 32 jir ah ayaa dhintay, 19 kalena dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii gaari la mariyay dad mudaaharaadayay Sabtidii oo ka soo horjeeday qolyaha ay aragtidoodu midig fog raacsan tahay ee ku sugan Charlottesville. Trump ayaa sheegay in gaariga lagu dhex eryay dadka uu waji gabax ku yahay isaga iyo dalkiisaba Nigeria 16ka Agoosto 2017 Saddex haween ah ayaa lagu soo warramayaa in weerar is miidaamin ah ay ka fuliyeen waqooyi bari dalka Nigeria, kaas oo galaaftay ugu yaraan 27 qof, sida laga soo xigtay saraakiisha dalkaasi. Tobaneeyo qof oo kalena ay ku dhaawacmeen kaddib markay isku qarxiyeen bannaanka xero qaxooti oo u dhow magaalada Maiguguri ee gobolka Borno, oo ah halka ay aadka ugu badan yihin kooxda Boko Xaraam ee dalka Nigeria ka dagaallanta. Waxaa aad u kordhayay dagaalka iyo rabshadaha ka dhaca magaaladaasi bilihi u dambeeyay. Boko Xaraam ayaa dalkaasi ka dagaallameysa tan iyo sanadkii 2009kii, si ay uga hirgeliso dalka shareecada diinta Islaamka. Baba Kura, wuxuu ka mid yahay ciidamada loo igmaday inay soo afjaraan dagaalka kooxda jihaad doonka ah, waxuuna wakaaladda wararka ee AFP u sheegay maalintii Talaadada in haweeneydii ugu horreysay ay isku qarxisay meel u dhow xerada. Wuxuu intaasi ku daray in labada dumar ee kalana ay is qarxiyeen waqti dadka ay xirayeen dukaamahooda, halkaas oo uu ka dhashay khasaaraha ugu badan. Warbixin ay soo sareen baarayaasha Mareykanka ee dembiyada argagixisannimada ayaa lagu sheegay inay tahay kacdoonkii ugu horreeyay taariikhda ee haween badan oo is qarxiya la isticmaalo in ka badan ragga. Sanadkii hore, dowladda Nigeria ayaa sheegtay in kooxda Boko Haram laga adkaaday. Balse wararka ayaa sheegaya in ciidanku ay ku guul-darreysteen inay joojiyaan qaraxyada, dadkana ay ka sii qaxayaan guryahooda gobolka Borno oo ay galayaan xeryaha Maraykanka 16ka Agoosto 2017 Wasiirkii hore ee arrimaha Dibadda Soomaaliya C/raxmaan Jaamac Barre, ayaa ku geeriyooday dalka Mareykanka oo muddooyinkii dambe uu ku xanuunsanaayay. C/raxmaan Jaamac Barre, ayaa ku geeriyooday magaalada San Diego ee gobolka California, sida ay xaqiijiyeen ehelada Marxuumka oo Warbaahinta la hadlay. Cadiraxman Jamac Barre ayey da’diisu aheyd 79 sano, Wuxuu xilal ka soo qabtay dowladii kacaanka, isaga oo soo noqday Ra’iisal Wasaare ku xigeen, wasiirka maaliyadda iyo wasiirka arrimaha dibadda. Marxuumka geeriyooday ayaa ifka wuxuu kaga tagay caruur gaareysa 15 oo isugu jirta Gabdho iyo Wiilal oo qaybo kala duwan oo dunida ah ku kala nool. Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka ayaa ka tacsiyadeysay geerida ku timid Ra’iisal Wasaare ku xigeenkii hore ee dalka, sidoo kalena soo qabtay xilal kala duwan. Marxuumka Eheladiisa, ayaa sheegay inay qorsheynayaan aas Qaran in loo sameeyo, inkastoo aanan la ogeyn meesha lagu aasi doono. Koonfur Afrika 16ka Agoosto 2017 Allaha u naxariistee waxaa dalka Koonfur Afrika ku geeriyooday Ganacsade Axmed Jaliil Xuseen oo ka mid ahaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaasi Koonfur Afrika. Ganacsadahan ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray dhawaan dab la qabad siiyay Goobtii Ganacsi oo ku taala Magaalada Darban ee dalkaasi Koonfur Afrika. Kooxo Burcad ah ayaa Ganacsadaha horay u soo weeraray isagoo ku sugan Goobtii Ganacsi,iyaga oo intaas kadib dab qabadsiiyay waxaana Axmed Jaliil ka soo gaaray dhaawac culus oo ugu dambeyn uu u geeriyooday. Weli dhacdadaas kama hadlin laamaha amniga dalkaasi Koonfur Afrika waxa ayna tani qeyb tahay dhibaatooyinka marwalba Soomaalida ku nool dalkaas loo geesto gaar ahaan kuwa Ganacsatada ah oo hantidooda la boobo. Maamulka Koonfur Galbeed 16ka Agoosto 2017 Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa uu sheegay in uu wado qorshe ku aadan sidii wax looga qaban lahaa colaada iyo dhibaatada ka taagan magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose. Wasiirka Beeraha maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi ayaa sheegay in ay wadaan Wasaaradaha qaar ee Koonfur Galbeed qorshe dib u heshiisiin loogu sameynayo shacabka Shabeellaha iyo sidii wax looga qaban lahaa arrimaha Abaaraha. Wuxuu kaloo sheegay Maxamed Fiqi dhibaatooyinkii ka dhacay Shabeellaha Hoose gaar ahaan Marka in ay sababtay in dadka qaar ay u barakacaan magaalada Muqdisho, kuwaasi oo gabaadsi doontay, iyo nolol wanaagsan oo ay raadsadaan. Maxamed Xasan Fiqi Wasiirka Beeraha maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale sheegay Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka in ay qeyb ka yihiin xasilinta magaalada Marko iyo guud ahaan gobolka Shabeellaha Hoose. Warbixin dhowaan ay soo saartay Hay’adda Human Rights Watch ayay ku sheegtay dagaalyahanada Al-shabaab in ay qafaasheen dad rayid ah, dhaceen xoolo, islamarkaana dab qabadsiyay guryo taasi oo keentay in dad ka badan Shan iyo Toban Kun ka barakacaan guryahooda. Gobolka Shabeelaha Hoose oo ka mid ah gobolada ugu wax soo saarka badan ee Soomaaliya ayaa mudo dheer waxaa ka socday Dagaalo u dhaxeeya Maleeshiyo beeleedyo iska soo horjeeda, Ciidamada Dowladda Federaalka, Ciidamada AMISOM oo dhinac ah iyo kuwa Al-shabaab, laakiin saameynta ugu weyn waxaa ku yeeshay Dagaalka laba beelood oo awooda gobolka isku heysta. Jowhar 16ka Agoosto 2017 Ex- Cali Cabdullaahi Cosoble Madaxweynihii Maamulka Hir-Shabeelle islamarkaana ay xildhibaanada Maamulkaas ay xilkii ka qaadeen ayaa sheegay in ay ku lug laheyd dowladda Soomaaliya. Cosoble oo Jowhar Waraabhinta kula hadlayay ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in mowjadaha siyaasadeed ee ka jira Hir-Shabeelle ay masuul ka tahay dowladda Federaalka Soomaaliya,oo maalmahaan uu khilaaf kala dhaxeeyay. Waxa uu sheegay in arintaan ay salka ku heyso arinta Wadamada Khaliijka kadib markii isaga uu taageeray xulufada Sacuudiga,taas oo uu u arkay danta Shacabka Soomaaliyeed. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaanan weli ka hadlin khilaafka ka dhexjira Masuuliyiinta ugu sareysa Maamulka Hir-Shabeelle marka laga reebo Xildhibaanada Federaalka gaar ahaan kuwa laga soo doortay Hir-Shabeelle oo taageeray xilka qaadistaas. Gaarisa 16ka Agoosto 2017 Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar Askar lagu dilay oo ka dhacay Magaalada Gaarisa ee dalka Kenya. Weerarkaan ayaa ah mid Wadad loo galay Ciidamada,waxaana ku geeriyooday ilaa Shan Askari oo Ciidamada Kenyatiga ah sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada Kenya. Ka hor weerarka ayaa Saraakiishu waxa ay sheegeen in mid ka mid ah Gawaaridooda uu haleeyay qarax islamarkaana uu ka badbaaday mid ka mid ah Saraakiisha ugu sareysa dowladda Kenya. Waxaa lagu eedeeyay in ay qaraxaasi ka dambeeyaan Al-Shabaab oo dhowr mar weeraro ka fulisay Gudaha dalkaas. Weerarkaan ayaa ku soo aadaya xili shalay Saraakiisha dowladda Kenya ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ay soo saareen digniin ku aadan weeraro ay Al-Shabaab ka geestaan Gudaha Gobolka Waqooyi Bari. Goobtii uu weerarka ka dhacay ayaa waxaa la geeyay Ciidamo farabadan kuwaas oo baaritaano halkaasi ka wada mararka qaarna wadooyinka xiraya. Kolambiya 16ka Agoosto 2017 Gaarigii ugu dambeeyay ee ay ku raran yihiin hub ay leeyihiin kooxdii hore ee mucaaradka dalka Colombia, ee FARC ayaa laga saaray meelo ka mid ah dalkaasi, iyadoo taageero laga helayo Qaramada Midoobay. Madaxweynaha dalka Colombia, Juan Manuel Santos, ayaa sheegay in tan ay tahay guushii ugu dambeysay ee dalkaasi uu ka gaaro dagaalkii soo jiitamayay muddada konton iyo labada sano ahayd. Wuxuu madaxweynuhu sharraxaad ka bixiyay sida xoogagga hubeysan ee dalkaasi loogu daad gureyn doono deegaannadii ay ka baxeen kooxda FARC. Ciidamada ayaa sugi doona ammaanka bulshada iyagoo sidoo kale ka caawin doona dhismaha waddooyinka. Madaxa howl-galka Qaramada Midoobay ee dalka Colombia, Jean Arnault, ayaa sheegay in toddoba iyo toban kunteenarro ay ka buuxaan hub laga saaray goobaha ku meel gaarka ah. Dagaal-yahannadii hore ee FARC ayaa lagu wadaa in lagu dhex daro bulshada Aljeeriya 16ka Agoosto 2017 Madaxweynaha dalka Algeria Abdelaziz Bouteflika ayaa shaqada ka ceyriyay Raisul wasaarihii dalkaasi Abdelmadjid Tebboune oo xafiiska hayay muddo ka yar saddex bilood. Weli lama oga tallaabada uu qaaday madaxweynaha sababta ka dambeysa, balse waxay dabo socotay warqad uu madaxweynaha u diray Mr Tebboune oo uu ku dalbanaayay in si deg deg ah wax looga baddalo hanaaanka siyaasadda dalkaasi. Durbaba waxaa xilka Raisul wasaare loo magacaabay Ahmed Ouyahia oo ahaa agaasimaha madaxtooyada dalkaasi. Dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in Axmed loo arki karo mid saameyn weyn aan lahayn, iyadoo Algeria ay isku dayeyso inay yareyso qiimaha shidaalka iyo dhaqaalaha dalka ee hoos u sii dhacaya. Jowhar 16ka Agoosto 2017 Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in xilka laga qaaday Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle. Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Maamulkaasi ayaa kulan ay goordhaw yeesheen waxay sheegeen in Xilka ay ka qaadeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi Shiikh Cismaan Barre Max’ed. Xildhibaanada Xilka Ka qaaday ayaa shirkooda jaraaid ku sheegay in Waxqabad la’aan uu ku sifoobay Gudoomiye Shiikh Cismaan sida ay sheegeen. Muqdisho 16ka Agoosto 2017 Taliye ku-xigeenkii Ururuka Argagixisadda Al-Shabab oo si rasmi ah u caddeeyey inuu ka baxay ururkaas asagoo dalbaday cafsi iyo inuu xil sare ka qaban doono Dowladda Soomaaliya oo horay ugu dhiibtay shaqooyin muhiim ah kuwii horay uga soo goostay Ururuka Argagixisadda Al-Shabab ee “UGUS”. Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre oo raba inuu xil muhiim ah u magacaabo sarkaallkan ka soo goostay Ururuka Argagixisadda Al-Shabab Shiikh Mukhtaar Cali Rooboow oo xilligii ururkaas uu la shaqaynayey galay dembiyo farabadan oo lid ku ah Xuquuqda Aadamaha. Bal haddaba nala dhageysta hee. #Shabab Terrorists Deputy Commander Sheikh Mukhtar Robow defects to Somali Government, and he asks for forgiveness after years of ingenious crimes against humanity. So, who can hide the facts now? Listen to him now from this recorded video clip. https://www.youtube.com/watch?v=D0luRWE49E0

WARARKA MAANTA Abriil 13, 2017
Su’aalaha Maanta: Maxay tahay sababta Madaxweyne Mudane Farmaajo ay walaashiis banaanka u keentay sir culus oo qusaysa qoyskeeda? Maxuuse u qaban karaa Ummadda Soomaaliyeed ee dhibaataysan haddiiba uu waxba u qaban waayey hooyadiis iyo walaashiis oo arrima badan oo xaasaasi ah u kashiftay Ummadda Soomaaliyeed ayadoo caddaysay sida walaakeed loo sixray oo ay u sixirtay naagtiisa oo aad moodo inay haatan madaxweyne ka noqotay magaalada Muqdisho oo beesha Habargidir lagu midab-takoorayo ayagoo laga qaadayo jaggooyinkii ay ka dhex hayeen Dowladda Soomaaliya? Saxafi Daahir Calasoow oo runta bannaanka keenay marka ayaa runta qarin kara hadda iyo wixii ka dembeeya Ummadda Soomaaliyeed waxay ogaan doonaan inay Dowladdan Wada Dadban ka sii liidan doonto Dowladdii ka horaysay ee Damu-Jadiid!

Golaha Amaanka Qaramadda Midooway Abriil 13, 2017 Ruushka ayaa codka diidmada qayaxan ku horjoogsaday qaraar qabyo ah oo ay soo diyaariyeen Maraykanka, Britain iyo Faransiiska, kaasoo lagu dalbanayay in xukuumadda Suuriya ay ogolaato in baaritaan lagu sameeyo weerarkii kimiikada loo adeegsaday ee dhacay todobaadkii tegay.

Weerarkaasi ayaa ku dhawaad 90 qof ku dilay degmada ay mucaaradka haystaan ee Khan Sheikhoun.

Dood kulul oo Golaha Ammaanka ka dhacday ka hor inta aan codka loo qaadin qaraarka qabyada ah, ayaa safiirka Maraykanka, Nikki Haley, waxa ay sheegtay in mar hore la rabay inuu Ruushka joojiyo difaacidda madaxweyne Assad.

Balse ergeyga Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobay, Vladimir Safronkov, ayaa sheegay in uu la yaabay sida ay waddamada galbeedka u dhaliilayaan hogaamiyaha Suuriya, ayaga oo aan xog ogaal u ahayn waxa ka socda dalkaasi.

Weerarkii kiimikada loo adeegsaday ayaa dhaliyay in Maraykanka uu gantaalada cruise-ka ku garaaco saldhig ay leeyihiin ciidanka cirka ee Suuriya.

Holland/Netherlands Brada Abriil 13, 2017 Saxafi Daahir Cabdulle Calasoow oo kashifay sir culus oo ku saabsan Madaxweynaha Dowladda Wada Dadban Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo xaaskiisa taasoo ay kashiftay walaashiis Madaxweynaha Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo taasoo ku nool waddanka Canada ayadoo waliba fashiltay Wasiirka Dastuurka oo asagana ka dhacay lacag isla-markaasna laga kansalay laysanka sharciga garyaqaanimadda dalka Kanada kadib markii uu dhacay dadban oo Soomaali ah.

Gabarta la dhalatay Madaxweynaha Soomaaliya oo degen dalka Kanada ayaa waxay si fiican u fashiltay sida loo sixray walaalkeed Madaxweynaha Maxamed Cabdillaahi Farmaajo marka qof aan xitaa qoyskiisa waxba u qaban karin miyaa Ummadda Soomaaliyeed oo uu u soo doortay dad wada musuqmaasuq ah wax u qaban doona. Waa nasiib-darro inay sir noocan oo kale ay fashilto qof aad walaalo tihiin balse walaashaa waxay si cad u sharaxaysaa xaqiiqda ayadoo fashishay siro badan.

Bal nala dhageysta xaqiiqda https://www.youtube.com/watch?v=piBqQvlXGcg

Muqdisho Abriil 13, 2017 Diyaarad siday Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Ambassador Thaabit Cabdi Maxamed ayaa goor dhow waxa ay ka soo degtay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, sida uu soo sheegayo Wariyaha Risaala ee halkaasi ku sugan.

Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ayaa saakay Diyaarad gaar ah waxa uu ka soo raacay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, isaga oo markii hore ka yimid dalka Mareykanka.

Sii hayaha Xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo ku Xigeenadiisa, Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Dowladda, Saraakiisha amaanka ee Gobolka, ururka Haweenka iyo Masuuliyiin kale ayaa ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Guddoomiyaha cusub.
Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa xaflad soo dhaweyn ah hada loogu sameynayaa mid ka mid ah Hoteelada ku yaalla Magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu saxaafada kula hadli doono.

6-dii Bishan April ayaa Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/llaahi (Farmaajo) waxa uu Ambassador Thaabid Cabdi Maxamed u Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

Maraykanka Abriil 13, 2017 Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in gaashaanbuurta NATO ay tahay mid shaqeysa, asagoo ka laabtay hadal horay uu u sheegay oo ahaa in aanay waxtar lahayn.

Mr Trump oo aqalka cad ku qaabilay xoghayaha guud ee NATO, Jens Stoltenberg, ayaa sheegay in khatarta argagixisada caalamiga ah ay muujisay muhiimadda gaashaanbuurtaasi.

Waxa uu ugu baaqay NATO in ay juhdi dheeri ah ku bixiso dalalka Ciraaq iyo Afghanistan.

Mr Trump ayaa markii uu u tartamayay madaxtinnimada Maraykanka waxa uu si joogta ah su’aal u gelin jiray muhiimadda NATO, asagoo ka cabanayay kharashka uu Maraykanka ku bixiyo xubinnimadeeda.

Balse madaxweynaha Maraykanka ayaa weli rumaysan in dalalka kale ee NATO ka tirsan looga baahan yahay in ay kordhiyaan kharashkooda gaashaandhigga.

Kulanka Trump iyo Stoltenberg ayaa dhacay saacado ka dib markii uu xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka Rex Tillerson caasimadda Moscow wadahadal kula yeeshay madaxweyne Vladimir Putin.

Hirshebeelle Abriil 13, 2017 Maamulka Hirshabeelle oo ka mid ah Mamulada dalka ka jira ayaa waxa uu ka hadlay Kalluumeysiga sharci darada ah ee ka socda xeebaha Hirshabeelle.

Wasiirka Wasaaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Maamulka Hirshabeelle Iidle Siyaar Sheekh Khaliif ayaa sheegay dadka in aysan u dulqaadan doonin dadka Kalluumeysiga sharci darada ah ka wada xeebaha Hirshabeelle.

Waxa uu sheegay dalka in aysan iska laheyn, biyahana aysan iska laheyn, sharcina aysan ku joobin, loona baahan yahay in ay si deg deg ah uga baxaan Biyaha Hirshabeelle.
Sidoo kale Wasiirka Wasaaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Maamulka Hirshabeelle Iidle Siyaar Sheekh Khaliif ayaa kalluumeysatada ugu baaqay marka in ay soo goostaan warqad sharci ah oo ay ka heystaan Dowladda Federaalka iyo Maamulka Hirshabeelle.

Talaadadii ina dhaaftay ayay aheyd markii Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble uu Xildhibaan Maxamuud Xuseen Mooge u magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in Kooxdaan ay ka digeen Culimadda Soomaaliyeed islamarkaana Dowladda Soomaaliya ay ka hortagi doonto Afkaarta Guracan Ee Kooxdaas.

Kooxda Alsaaciduuna ayaa looga dhaaaqay Somaliland,Puntland iyo Muqdisho,iyadoo Fadhigooda weyn uu yahay Wadanka Masar.

Muqdisho Abriil 13, 2017 Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in Dowladdiisa ay soo dhaweenayso maalgashiga caalamiga ah, si buu yiri an shaqo abuur ugu sameyno dhalinyaradda Soomaaliyeed ee shaqo la’aanta heyso.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in loo baahanyahay in musuq maasuqa lala dagaallo si loo aamio dowladda loona maalgashto.

 “Si aad usoo jiidato maalgashadayaasha caalamka waxaa loo baahanyahay amni iyo xasilooni, waxaane xooga saaraynaa sidii aan amniga ugu horeyn aan ku sugi lahayn waxaane ka bilaabaynaa magaaladda muqdisho” ayuu yiri Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata.

 Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa waxuu dhowr mar ka dhawaajiyey in musuq maasuqa lala dagaalo si dowladda ay u noqoto dowlad nadiif ah oo la maalgashan karo waxuuna sidoo kale sheegay in shaqo abuur ay ka sameen doonaan dhamaan Maamul Gobaleedyada Dalka ka jira.

 Madaxweyne Farmaajo ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabad lagu xusaayey sanad guuradii 57’aad ee kasoo wareegatay maalintii la aas aasay ciidamadda xooga dalka.

WARARKA MAANTA Abriil 12, 2017
Maanta Waa Maalinta Ciidanka Xoogga Dalka Abriil 12, 2017
Ummadda Soomaaliyeed Iyo Dhammaan Madaxda Dalka waxay u hambalyeynayaan Ciidanka Xoogga Dalka Munaasibadda Sanadguurada 57aad ee maalintii la asaasay Ciidanka Xoogga ee 12-kii April

Muqdisho Abriil 12, 2017 Culimada xamar ayaa maanta shir dag dag ah oo ay isugu yimaaden waxaa ay uga hadlen urur diimeed loogu talo galay in umada islaamka ah lagu weeraro diintooda oo looga dhawaaqay xamar kaaso saldhigiisu yahay Masar laguna magacaabo al-saadicuuna bil xaq. Culimada ayaa sheegay in ay yihiin kooxdasi kuwo gaalo ah fidinayana gaalaysi la gaalaynaayo umada soomaaliyeed islamarkaana kaba halis badan alshabab.

Muqdisho Abriil 12, 2017 Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Khasaare dhanka dakhliga ah uu ka soo gaaray heshiiskii Somaliya iyo Kenya ee dhanka duulimaadyada diyaaradaha ee la sii marin jiray Magaalada Wajeer ee dalka Kenya.

Maamulaha Garoonka Diyaaradaha Wajeer Charles Kiong, ayaa sheegay in laba Milyan oo lacagta Kenya ah una dhiganta $21,240 oo doolarka Mareykanka ah ay khasaareen kadib markii heshiiskaas la saxiixay.

Waxa uu xusay in Diyaaradaha iyo rakaabka mari jiray Wajeer laga qaadi jiray lacagahaasi islamarkaana ay hadda taasi meesha ka baxday.

Juba Airways, African Express, East Africa Safari Express, Freedom Airline, Oceanic iyo Fan Jet Express, ayaa horay u mari jiray Wajeer maalin waliba marka ay ka duulaan Muqdisho,waxaana hadda meesha ka baxday taas oo waxaa ay dhamaan toos uga baxaan Muqdisho waxaana ay ka degaan Nairobi.

Madaxweynihii hore ee Kenya Kibaki ayaa sanadkii 2006-dii soo rogay in Diyaaradaha ka taga Somaliya ay sii maraan Wajeer inta aysan gaarin Nairobi taas oo uu sheegay in ay ahayd kaliya xasilinta amniga gudaha Kenya.
Heshiiska lagu laalay go’aankaas waxaa dhamaadkii bishii March Nairobi ku kala saxiixday Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Diyaaradaha ka baxa Muqdisho ayaa hadda si toos ah waxa ay uga degtaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya

Muqdisho Abriil 12, 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ugu hanbalyeeyey munaasibadda sanadguurada 57aad ee maalintii la asaasay Ciidanka Xoogga ee 12-kii April, sannadkii 1960-kii. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay yihiin dhidibada uu ku taagan yahay Qaranka Soomaaliyeed, isla markaana ay taariikh weyn ku leeyihiin dalkeenna.

Mudane Xasan Cali Khayrre ayaa ku amaanay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya dadaalka naf-hurnimada ah ee ay u samaynayaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalka hooyo, isla markaana loo cirib-tiri lahaa kooxaha sharka iyo argagaxisada ee caqabadda ku ah nabadda iyo horumarka Soomaaliya. Waxana uu balanqaaday in Xukuumaddiisu ay xil weyn iska saari doonto daryeelka iyo xuquuqda ciidamada si ay u gutaan waajibaadkooda qaran.

“Waxaan halkaan hanbalyo ballaaran uga dirayaa saraakiisha, saraakiil-xigeenka, dableyda iyo qoysaska Ciidanka Xoogga, waxaan ugu hanbalyeynayaa munaasibada 12-ka April. Waxaan ciidankeenna geesiyaasha ah u rajaynayaa horumar iyo inay ku guuleystaan hawlaha iyo waajibaadka qaran ee loo igmaday” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu

“Ciidanku Xooggu waa astaan qaran iyo tiirarka adag ee uu ku taagan yahay dalkeennu. Dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya waxay leedahay muhiimad gaar ah, runtii, dal aan Ciidan xooggan lahayn ma dhismi karo, mana horumari karo. Xukuumadaydu wax dadaal ah lama hari doonto si loo helo daryeel iyo xuquuq joogto ah oo ay yeeshaan ciidankeennu”. Ayuu raaciyey

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali KHayre ayaa ugu baaqay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya inay laba jibaaraan dadaalada lagu xaqiijinayo ammaanka dalka, isla markaana meesha looga saarayo kooxaha nabadda diidan.

—-DHAMMAAD—-

Moscow Abriil 12, 2017 Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka, Rex Tillerson, ayaa ku sugan caasimadda Ruushka ee Moscow asagoo maanta wadahadal la yeelan doona dhiggiisa dalkaasi, xilli ay sii kordheyso xiisadda ka taagan Suuriya.

Kulankan ayaa markii hore looga gal lahaa in looga baaraandego qaabka ay isu kaashan karaan Ruushka iyo maamulka Trump.

Balse waxaa taasi bedelay duqeyntii uu Maraykanka uga jawaabay weerarkii hubka kiimikada ah loo adeegsaday ee todobaadkii hore ka dhacay Suuriya.

Mr Tillerson ayaa raba in Ruushka uu xaqiijiyo in xukuumadda Suuriya ay burburiso hubka u haray ee kiimikada ah, iyo in madaxweyne Putin uu joojiyo taageeridda Bashar al-Assad.

Balse madaxweyne Putin ayaa ku gacan sayray baaqaasi, waxaana uu weerarkii kiimikada loo adeegsaday ku eedeeyay xooggaga dowladda ku kacsan.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Ruushka ayaa doonaysa in Mr Tillerson uu caddeeyo siyaasadda maamulka Trump ee ku aaddan Ruushka iyo weliba Suuriya, waxaana laga dhursagayaa in wadahadalooda ay waxtar yeelan doonaan.

Galgaduud Abriil 12, 2017 Wadahadallada ayaa waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka tirsan maamulada Galmudug iyo Ahlusunna.

Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay muhiim tahay in ay heshiiyaan Ahlusunna iyo Galmudug.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan Madaxweynaha Ahlusunna ayaa lagu waddaa in uu ka qeyb galo wadahadaladda.

Wasaaradda Arimaha Gudaha Soomaaliya ayaa Garwadeen ka ah howlaha dib u heshiisiinta Galmudug iyo Ahlusunna.

Muqdisho Abriil 12, 2017 Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukumadda Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa Hambalyo u diray Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo Maanta u Dabaal dagaya 57-sano guuradii ka soo Wareegatay Markii la aas aasay 12-ka April 1960-kii.

Wasiirka ayaa sheegay inuu Hambalyo u dirayo Ciidamada Milatariga Soomaaliya Meel-kasta oo ay joogaan,waxaana uu ugu Hambalyeeyay Maalinta Qiimaha weyn leh ee 12-ka April.

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa Ciidamada ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan Dagaalka Dowladdu ay kula jirto Shabaab oo ay Shacabka dhibta ka saaraan.

Jubbadda Hoose Abriil 12, 2017gobolka J/hoose ee Koofurta Soomaaliya ayaa ku waramaya in diyaarado dagaal ay duqeeyeen deegaan ku dhaw Magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in duqeynta lala beegsaday deegaanka Kaanjaroon oo qiyaastii 60km Koofur ka xiga Magaalada Kismaayo, halkaasi oo ay gacanta ku hayaan Xarakada Al Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho in duqeyntu ay aheyd mid xoogan, isla markaana dhawr gantaal lagu dhuftay deegaanka.

Lama Oga qasaaraha duqeyntaan ka soo gaaray dagaalamayaasha Al Shabaab oo fariisimo ku leh deegaanka Kaanjaroon, hase ahaatee dadka deegaanku waxa ay sheegeen in duqeynta ay wax yeelo badan u geysatay xoolo dad reer miyi ah ay lahaayeen oo ku sugnaa deegaanka.

Lama oga wadanka laga lee yahay iyo cida ay ka Amar qaataan diyaaradaha duqeyntan fuliyay, laakiin waxaa inta badan deeganada Jubooyinka duqeymo ka fuliya diyaaradaha dagaalka Kenya.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Al Shabaab oo ku aadan duqeyntan ka dhacay deegaanka Kaanjaroon oo ay gacanta ku hayaan.

Nato Abriil 12, 2017 Ciiddanka Badda ee Isbahaysiga NATO ee ku sugan Xeebaha Somalia ayaa loo cusbooneysiiyey xilli-hawleedkooda ay kula dagaalamayaan Burcad-baddeeda ka qowleysata Xeebaha Somalia.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay NATO ayaa lagu sheegay inay Ciiddankaasi sii joogi doonaan Xeebaha Somalia ilaa dhamaadka sannadka soo socda ee 2018-ka, si ay Maraakiibta uga badbaadiyaan Weeraradda Burcad-baddeeda ee ka so ocusboonaaday Badda Somalia.

NATO waxay sheegtay inay yaraadeen tiradda weeraradda iyo Afduubka lala beegsado Maraakiibta Ganacsiga ee isticmaala Badda Somalia, inkastoo bishii hore iyo bishan dhaceen falal lagu fduubtay Maraakiib.

Tallaabadda NATO xilliga ugu kordhisay Ciiddankooda ka jooga Badda Somalia ayaa waxay ku soo beegantay iyadoo ay Midowga Europe xaqiijiyeen inay muddo 2-sanno ku kordhiyeen Xilliga ay Ciiddankooda qeybta ka ah Hawlgalkooda ATLANTA kaga hortagayaan Weeraradda Kooxaha Burcad-baddeeda u geystaan Maraakiibta iyo inay gelbiyaan Maraakiibta Shixnadaha Gargaarka ee u soo wada Somalia

Ciiddanka Badda ee EU-da ee ka hawlgala Badda Somalia oo tiradoodu dhan tahay 1.200 Askari ay wataan 4 Maraakiibta Dagaalka iyo 3 Diyaaradha loogu talagalay Ilaaladda.

Saraakiisha Hay’adda Badda Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyey inay weli sii socdaan Khataraha Burcad-baddeeda ku hayaan Maraakiibta.

Baydhabo Abriil 12, 2017 Mahad C/raxmaan Aadan Taliyaha ciidamada Booliska Koonfur Galbeed oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa shacabka kunool degaanada maamulka Koonfur Galbeed ugu baaqay in ay ka feejignaadaan Weeraro Qaraxyo ah oo ay geystaan Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa Shacabka ugu baaqay in ay muujiyaan Feejignaan dheeri ah.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay muhiim tahay Shacabka kunool Magaalada Baydhabo in aysan fadhiisan goobaha dad weynaha.

Ciidamada Booliska maamulka Koonfur Galbeed ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgallo ka waday Magaalada Baydhabo.

Muqdisho Abriil 12, 2017 Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalim ayaa Ku baaqay inaan la Siyaasadeyn Wada-hadalada lagu wado in dhawaan ay u furmaan Maamulada Galmudug iyo Ahlu-sunna, si Maamul mideysan u yeesho Gobolada Dhexe.

Maxamed Axmed Caalim ayaa tilmaamay wax lagu farxo in ay tahay in miiska wada-hadalka ay iskugu yimaadaan Maamulada Galmudug iyo Ahlu-sunna, islamarkaana ay ka tashadaan sidii loo mideyn lahaa dadka Gobolada Dhexe, wuxuuna Talaabadaan uu ku tilmaamay mid ay soo dhaweynayaan siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Dhexe.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalim ayaa kaga Mahadceliyay Dowladda Dhexe ee Soomaliya gaar ahaan wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya oo dhawaan shaaciyay in dib loo dhigay doorashada Madaxweynaha Galmudug islamarkaana loo baahan yahay in la qanciyo Maamul Gobolada Dhexe ee Ahlusuana Waljameeca.

WARARKA MAANTA Abriil 10, 2017
Su’aalaha Maanta: Maxay tahay sababta xalay Ciidanka Kumandoosta Soomaaliya ee ay u tababartay dowladda Imaaradka Iyo Ciidanka Nabad-Sugidda ugu wada dagaalameen degmadda Hodan? Maxaase kalifay inay laba Ciidan oo kawada tirsan Dowladda Soomaaliya ay si toos ah isugu adeesadaan hubka noocyadiisa kala duwan taasoo markii dembe sababtay inay dib u gurtaan Ciidanka Nabad-Sugidda? Meeqo ciidan ayaa wada jooga magaalada Muqdisho? Yaase Ciidamaddan Kumaandoosta ka amar qaadaan haddiiba ay si toos ah ula dagaalameen Ciidanka Nabad-Sugidda Qaranka? Halkee aaday Madaxweyne Mudane Farmaajo oo horay ugu dhaga-hadli jiray madaxdii hore asagoo ku yiri maalinkasta safar ayuu aadaa Madaxweyaha ama Raysal Wasaaraha? Yaase maanta Madaxweyne Farmaajo ka safar badan?
Hees Cusub oo soo socota:-
MuqdishoAbriil 10, 2017 Degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax uu ka dhacay nawaaxiga Isbitaalka Martiini ee Degmada Xamar weyne.

Qaraxa ayaa waxaa gaarigiisa loogu xiray Cabdulqaadir cusmaan Faarax (Dr-Yare) oo tirsanaa shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada.

Dr Yare ayaa la sheegay in ay go’een labada Lugood ,islamarkaana dhaawac culus uu soo gaaray.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane, ayaa sheegay in xaaladda Shaqsigaasi ka tirsanaa Wasaaradda Waxbarashada ay aad u culus tahay.

“Cabdulqaadir Cusmaan Faarax (Dr-Yare) kana mid shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada ayey gaarigiisa miino ugu xireen waana dhaawac lugaha ayaa ka go’ay ” ayuu yiri Xalane.

MuqdishoAbriil 10, 2017 Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh cusmaan Jawaari ayaa sheegay in la soo celinayo deeqihii waxbarasho ee Dowladda Talyaaniga siin jirtay Ardayda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in la soo celiyo waxbarashadii horay loogu heli jiray oo ay ka faa’iideysan jireen Ardayda Soomaaliyeed.

Waxa u xusay in ay muhiim tahay in la Xoojiyo Xiriirka u dhaxeeya Wadamada Soomaaliya iyo Talyaaniga isla markaana dib loo soo celiyo waxyaabihi ay wadaagi jireen.

Waxa uu sheegay in Dowladda Talyaaniga ay waxbarasho tayo leh bixin jirtay 14 Kulliyadood oo tayo leh ay u caawin jirtay Ardayda Soomaaliyeed.

Guddoomiye Jawaari ayaa sidoo kale sheegay in lagama maarmaan ay tahay in Ardayda Soomaaliyeed la siiyo Waxbarasho Sare oo tayo leh, sidoo kalena la siiyo Ardayda Soomaaliyeed Waxbarasho lacag la’aan ah.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh cusmaan Jawaari ayaa hadalkaan ka sheegay ka dib markii shalay Muqdisho lagu guddoonsiiyay Bilad Sharaf ka timid Dowladda Talyaaniga.

Talyaaniga Abriil 10, 2017 Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka, Rex Tillerson

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka, Rex Tillerson ayaa maanta magaalada Lucca ee dalka Talyaaniga kula kulamaya wasiiradda arrimaha dibedda ee dalalka xubnaha ka ah ururka G7.

Kullanka wasiiradda arrimaha dibedda ee G7 ayaa labada maalmood ee soo socda waxaa si weyn looga doodi doonaa sidii loogu qancin lahaa madaxweyne Putin, in uu soo afjaro taageerada milateri ee uu siiyo madaxweyne Assad-ka Suuriya iyo sidii loo dardar gelin lahaa wadahadalada nabadda ee dalkaasi.

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Britain, Boris Johnson, ayaa la filayaa in uu xoogga saaro sidii cunaqabateyn cusub loogu soo rogi lahaa Ruushka, haddii uu dalabyadaasi ku gacan sayro.

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka, Rex Tillerson, oo shirka ka dib la filayo in uu u duulo Moscow, ayaa rajaynaya in uu helo taageerada dalalka G7 si uu dalabyo adag u hordhigo madaxda Ruushka.

Mr. Tillerson oo warbaahinta la hadlay maalmihii lasoo dhaafay, ayaa sheegay in muhiimadda ugu weyn ee ay Washington ka leedahay Suuriya ay hadda tahay sidii meesha looga saari lahaa ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga.

Taasi marka laga guul gaaro ka dib, ayuu sheegay in Maraykanka uu diiradda saari doono hannanaka siyaasadeed ee la filayo in aakhirka xukunka looga qaado madaxweyne Assad.

MuqdishoAbriil 10, 2017 Rasaas culus oo darandoori ah ayaa halkaas laga maqlay taasoo muddo 30 daqiiqo ka badan la isweydaarsanayey, waxaanaka qeyb qaatay dagaalkan gaadiidka dagaalka.

Sida aynu wararka ku helnay iska horimaadkan ayaa u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan dowlada federaalka Somalia.

Nawaaxiga fagaaraha Tarabuunka ayaa waxaa fariisimo ku leh ciidamo ka tirsan nabad sugida iyo ciidamo kumandos ah oo dowlada Imaaraatku u tababartay dowlada Soomaaliya, wararkuna waxay sheegayaan in labadaas ciidan uu dagaalku dhexmaray.

Sababaha iska horimaadkan ayaan weli la ogeyn, waxaana jira khasaare nafeed oo ka dhashay inkastoo aan tirakoob saxan laga heynin, waxaana la maqlayay dhawaqa gaadiidka gurmadka deg deg ah ee Ambalaasta oo halkaas ku sii cararaya.

Xaalada goobihii uu iska horimaadku ka dhacay caawa ayaa hadda degan, waxaana joogsatay rasaastii xooganeyd ee la maqlayey.

Saraaakiil ka tirsan kuwa ciidamada dowlada oo aanu dooneynay inaanu dagaalkan wax ka weydiino ayaa inoo suurageli waayey inaanu helno, waxaana aad u adag in la helo faahfaahin ku saabsan dagaalkan xiliga oo habeen bar ah awgeed

Hargaysa Abriil 10, 2017 Dhakhaatiirta caafimaadka ee Hargeysa ayaa qeexay in goob caafimaad oo kaliya lagu kala wareejin karo kalyaha iyo xubnaha kale ee bini’aadamka. Arrintan ayaa timid kaddib markii ay boliiska Hargeysa been abuur ku tilmaameen warar sheegayay in ay jiraan dad la isku dayay in kelyaha iyo beerka lagala baxo, taasi oo dadweynaha magaaladaasi iyo magaalooyinka kale ee Somaliland qaarkood ku abuuray baqdin.

Haddaba Dr Maxamed Cabdi Gabooose oo ah dhakhtar caan ah ayaa sharaxaad ka bixiyay marka la isku bedelaayo xubnaha jirka bani’aadamka sida kelyaha iyo beerka, waxa uu u warramay weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige

France Abriil 10, 2017 Paul Lonyangata iyo xaaskiisa Purity Rionoripo ayaa ku guulaystay marathonka Paris

Orodka dheer ee marathonka loo yaqaano ee sanadkan lagu qabtay caasimadda Faransiiska ee Paris, ayaa waxaa guulo muhiim ah ka soo hoyay lamaane Kenyan ah.

Paul Lonyangata oo 32 jir ah ayaa gaaray guushiisii ugu weyneyd ee soo marta, ka dib markii uu ku orday laba saac lix daqiiqo iyo toban seken, waxaana uu sidaa ku qaaday tartanka ragga.

Xaaskiisa Purity Rionoripo, ayaa iyana ku guulaysatay tartanka dumarka, waxaana ay ku oraday laba saac, labaatan daqiiqo iyo kontan seken.

Guusha lamaanahan ayaa farxad gaar u ah orodyahannada Kenya, oo maalmahan ay hareeyeen eedeymo sheegaya in qaarkood ay adeegsadaan dawooyinka mamnuuca ah ee jirka xoojiya.

Waxaa ugu dambeysay Jemima Sumgong oo ku guulaysatay marathonka ciyaaraha olimbikada.

Hiiraan Abriil 10, 2017 gobolka Hiiraan gaar ahaan xadka uu la wadaago Ismaamulka Soomaalida Ethiopia, deegaanka Qalaafe ayaa sheegaya in ciidamada Liyuu boolis ee ku dileen 9 kamid ah dhalin yarada deegaankaasi.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamda Liyuu boolis ay diideen in la aaso dhalin yarada ay dileen, isla markaana ay waqti badan yaaleen bartamaha deegaanka Qalaafe.

Ciidamda ayaa sidoo kale canshuur badan dhul dhigay dadka ka safraya deegaankaas ee ku siijeeda deeganada kale ee xadka dhaca, sida ay xaqiijiyeen Qaar kamid ah dadka deegaanka Qalaafe.

Dhanka kale mid kamid ah waxgaradka deegaankaas ayaa isna dhankiisa sheegay in ciidamada Liyuu boolis ay horay u ahaayeen Jabhada ONLF, balse Madaxweynaha Maamulka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Ileey uu ka dhicay Liyuu boolis.

Waxa uu intaa ku daray in tacadi ka dhan ah aadanaha ay kawadaan ciidanka Liyuu boolis deegaanka Qalaafe, isla markaana xabsiyada deegaankaasi ay buux dhaafiyeen dhalin yaro Soomaaliyeed.

Ecuador Abriil 10, 2017 Toddobaadka soo socda waxa xilka madaxweynaha dalka Ecaudor loo dhaarin doonaa Lenin Moreno oo ah nin naafo ka ah qaarka dambe oo ku socda gaari curyaan, arrintaas oo rajo badan gelisay dadka u dooda xuquuqda dadka naafada ah oo sheegaya in ay dhiirigelin fiican u noqon doonto naafada dunida.

 Lenin oo da’diisu ay 64 sano jir tahay ayaa 20 sano ka hor uu qaarka dambe bakhtiyey kadib markii xabbad kaga dhacday labada lugood oo neerfayaasha dhaawacday ay naafo u horseedday, xilli ay kooxo burcad ahi isku dayayeen in ay boobaan dukaan ay isaga iyo xaaskiisu wax ka iibsanayeen.

In kasta oo uu soo maray xaalad adag oo caafimaad, aakhirkii waa uu bogsaday waxa aanu go’aansaday in aanay naafonimadu noqon dhammaadka noloshiisa, isaga oo qoray qiyaas 10 buug oo dhammaantood uu siyaabo kala duwan uga hadlayo dhiirrigelinta dadka iyo in niyadwanaagga aan laga tegin. Lenin Moreno waxa uu hore u ahaan jiray ergayga qaramada midoobey ee arrimaha naafada, ka hor intii aanu u go’in dhinaca siyaasadda.

Madaxweyne Lenin Moreno ma noqonayo hoggamaiyihii ugu horreeyey ee isaga oo naafo ah qabta xilka madaxnimo ee dalkiisa. Madaxweynihii 32-naad ee Maraykanka Franklin Roosevelt ayaa isna sidan oo kale ahaa naafo ku dhaqdhaqaaqa gaari curyaan, kadib markii isaga oo carruur ah uu ku naafoobay cudurka dabaysha, waxa aanu ka mid yahay madaxweyneyaasha taariikhda fiican ku leh dalkaas oo aad loogu bogaadiyo sidii uu dalkiisa ugala dabbaashay dhaqaale xumo badan oo jirtay iyo dhibaatadii dagaalkii labaad ee adduunka.

Madaxweynaha la doortay ee Ecuador ayaa isla markii xilka loo doortay waxaa dhambaallo hambalyo ah oo tiro badan u soo diray hay’adaha arrimaha naafada ka shaqeeya ee daafaha dunida.

Si kataba ha ahaato ee Lenin Moreno kuma cusba mansabka siyaasadeed oo muddadii u dhexeysay Sannadihii 2007 illaa 2013 waxa uu noqday madaxweyne ku xigeenka Ecuador, waxa aana lagu xasuustaa sidii uu muddadaas isaga xil saaray wanaajinta nolosha dadka naafada ah ee dalkiisa.

Dubia Abriil 10, 2017 Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xalay gaaray magaalada Abu Dhabi ee dalka Isugu tagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha oo si weyn loogu soo dhaweeyay Abu Dhabi ayaa kulamo kala duwan la leh Madaxda dalkaasi.

Waxaa uu xalay wadahadal la yeeshay Madaxda dalkaasi oo uu ugu horeeyo Sheik Mohamed bin Zayed Al Nahyan oo ah boqorka dalkaasi .

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Saldhiga Milatari ka furanaysa Magaalada Berbera ee Somaliland , waxaana Saldhigaasi kasoo horjeestay Qaar ka mid ah Madaxda Soomaalida.

Sidoo kale Mooshin ka dhan ah dowladda Imaaraadka Carabta Saldhigeeda Berbera ayaa horyaalla xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Dowladda Imaaraadka ayaa sidoo kale waxaa ay doonaysaa in ay la wareegto Dekedda Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Masar Abriil 10, 2017 Madaxweyne al-Sisi ayaa sheegay in xaaladda degdeg ah ay socon doonto 3 bilood

Madaxweynaha Masar, Cabdulfataax al-Sisi, ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo uu dalkiisa galayo muddo 3 bilood ah, tallaabadaasi oo ka dambeysay weerarradii shalay lagu qaaday laba kaniisadood oo ay leeyihiin Qibdhiyiinta, kuwaasoo ay ku dhinteen dad ka badan 45 qof.

Madaxweyne al-Sisi ayaa horay u amray in ciidanka milateriga Masar uu howlgalo ka sameeyo guud ahaan dalka oo dhan.

Ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga ayaa sheegay in uu fuliyay weerarradaasi ka dhacay kaniisadaha ku yaalla magaalooyinka Tanta iyo Alexandria.

Masiixiyiinta laga tirada badan yihiin ee Masar ayaa waxaa horay loola beegsaday weerarro noocan ah.

Masiixiyiinta Masar oo ka qaxaya Sinai

Weerarradan ayaa kusoo beegmay xilli muhiim u ah taariikhda Masiixiyiinta oo ay xusaan markii nebi Ciise CS uu galay magaalada Qudus.

Baaderi weynaha Catholiga, Pope Francis, oo isu diyaarinaya in todobaadyada soo socda uu booqdo Masar si uu taageero ugu muujiyo Masiixiyiinta dalkaasi, ayaa cambaareeyay weerarrada.

Muqdisho Abriil 09, 2017 Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta shaqo ka fariisin ku sameeyay qaar ka mid ah Waaxyaha Wasaaradda Warfaafinta oo uu ugu horreeyay Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta.

C/Raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa waxaa uu Bartiisa Facebook ku soo qoray in uu maanta xilka ka qaadis ku sameeyay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdirasaaq Cali Yuusuf (Bahlaawi) iyo agaasimaha maamulka Wasaaradda Warfaafinta iyo hanuuninta dadweynaha.

Yariisow waxaa uu sababta ku sheegay in ay tahay musuq maasuq iyo maamul xumo uu ku arkay Ragga uu maanta xilka ka qaaday.

Waxaa uu sidoo kale magacaabay Agaasimayaasha TV-ga iyo Radiyaha Dowladda oo loo kala magacaabay liibaan Cabdi Cali oo TV-ga ah iyo C/Fitaax Daahir Jeyte oo loo magacaabay Raadiyaha Dowladda.

sidoo kale waxaa uu si kumeel gaar ah xilka Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta ugu magacaabay C/Raxmaan Yuusuf Al-Caddaala,oo ah Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

WARARKA MAANTA Abriil 08, 2017
Su’aalaha Maanta: Maxay tahay sababta Darood Iyo Hawiye ay u kala qaateen kuraasta ugu muhiimsan ee habka dowliga? Mise labadii cadaalad darro ku hesshiiso waxay aakhirka isku-dilaa xaq-darraddii ay ku wada heshiiyeen? Maxaa loo dhacayaa xuquuqda beelaha Dir, Digil Iyo Mirifle Iyo Beel Weynta Shannaad?

Maamulka Somaliland Abriil 08, 2017 Maxkamada Magaalada Hargaysa ayaa maanta xukun laba sanno xadhig ah waxa ay ku riday Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo muddooyinkii la soo dhaafay ku xidhnaa Magaalada Hargaysa meeshaasoo si cadaalad darro ah loogu xiray.

Qaadiga maxkamada ayaa ku dhawaaqay in xukunka Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon uu yahay xarig laba sano ah, kadib markii cadeymo kala duwan la horkeenay maxkamada oo ku saabsan eedeymaha loo soo jeediyay Wariyaha.

Maamulka SNM ayaa Suxufigan ku eedeysay inuu meel uga dhacay madax ka tirsan maamulkaasi sidoo kalena uu taageero u muujiyay Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo sidoo kale ah Samafale ka shaqeeya arimaha u gar gaarida shacabka dhibaateysan, ayaa dad badan siyaabo kala duwan waxa ay uga hadleen xukunka maanta lagu riday.

Qareenada u doodaya Wariye Cabdi Maalik ayaa sheegay inay xukunka racfaan ka qaadanayaan, islamarkaana aysan ku qanacsaneyn xukunka maxkamada.

Sidoo kale ehelada Suxufi Cabdi Maalik, ayaa sheegay in xukunkaasi uusan sharci aheyn, islamarkaana Racfaan ay qaadanayaan, maadaama aysan ku qanacsaneyn xukunka.

Maamulka Somaliland Abriil 08, 2017 Sheekada nala dhageysta.

https://www.youtube.com/watch?v=Ty_iAoXEf5E

Nairobi Abriil 08, 2017 Ku dhawaad 10 qof oo ay ku jiraan Diplomaasiyiin iyo hawladeednoa ka tirsan dawladda ayaa ku xiran garoonka diyaaradaha Jomma Kenyatta kadib marki ayago isticmaalaya passpotrka Diplomaasiga iyo kan shaqaalaha ay ka dageen halkaas si ay Visaha u helaan.

Dadka la xiray ayaa sida muuqata u dhoofay halkaas marki ay maqleen iney heshiiska labada dawlad u dhigayo in isu socodka furmay .

Muna Xuseen oo seeygeeda uu ka mid yahahay dadka xiran ayaa  sheegtay in la xiray maalinti Arbacada lana filayo in manta dib lo so celiyo oo uu ku so laabto Muqdisho.

Kenya ayaa u muuqata in dhinaceda wali aysan dhaqan galin heshiiski labada madaxweyne ,

Dhinaca kale safaarada Soomaaliya ee Kenya oo aa  la xiriirnay si aan arinkaan wax uga ogaano ayeey no suuragali weysay inaan haleelno.

Ruushka Abriil 08, 2017 Mas’uuliiyinta dowladda Ruushka ayaa sheegay in ay Maxkamad soo taagayaan 8 qof oo lagu tuhmaayo in ay ka dambeeyeen Qarax ka dhacay dalkaasi.

Ciidamada Booliska ayaa waxa ay sheegeen in ay aamisan yihiin in dadkaani yihiin kuwii Qaraxa ku weeraray goob tareenadda laga raaco oo ku taalla magaalada St. Petersburg ee dalka Ruushka.

Maxkamadda ayaa shalay ku dhawaaqay in Sideedaasi qof oo da’doodu u dhaxeyso 39 Sano jir ilaa iyo 20 Sano jir in looga Shakisan yahay in ay ka dambeeyeen Qaraxii Ruushka ka dhacay.
Madaxweynaha Ruushka ayaa wacad ku maray in uu la dagaalami doono Argagixisada, waxaana uu Amray in si deg deg ah dadkaasi Maxkamad loo soo taago

Maamulka Gollada Dhexe Abriil 08, 2017 Afayeenka Maamulka Goboladda  Dhexe ee  Ahlu-Suna Wal-Jameeca  Shiiq Mursal  Xeefow oo la hadlay Idaaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa cadeeyay in Maamulka Ahlu-Suna Wal-Jameeca  eynan ka qeyb geli doonin doorashada Madaxweynaha Galmudug oo kol hore Maamulkiisa ay qorsheesteen in ay ka qeyb gelaan doorashadaasi.

Afayen Xeefow waxa uu tilmaamay in doorashada Madaxweynaha Galmudug  maamulka Ahlu-Suna sababaha eynan uga qeyb geleen in ay ugu weyntahay kadib markii u fashilmaay heshiisyo u dhexeeyay ahlusuna iyo Gudiga Dorashada Galmudug.

Xefoow ayaa  tilmaamay in Gudiga Dorashooyinka Madaxweynaha Galmudug ay ka baxen balamo ay horay ay uga qadeen Ahlu-Suna  taasina ay ugu wacan tahay in Ahlu-Suna ay guud ahaan shaaciso ineesan ka qeyb geli doonin doorashada Madaxweynaha Galmudug  oo 10ka bishan ka dhici donto magaada Cadaaddo  ee xarunta Gobolk Galgaduud.

Afayenka maamulka Goboladda  Dhexe ee Ahlu-Suna Wal-Jameeca  Shiiq Mursal  Xeefow ayaa sheegay in ahlusuna Dowladda Soomaliya ay dooneyso in guud ahaan ay cagta mariso taasina  waxa u tilmaamay in eysan dhici doonin Xefoow ayaa ugu baaqay masuuliyiinta Dowladda ee arrintaan lugta ku leh in ay ka joogan.

Qaramadda Midooway Abriil 08, 2017 Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si xoog leh u cambaareeyey tallaabadi ay Kuuriyada Waqooyi todobaadkan ku tijaabisay gantaal noociisu ahaa ballistic.

Bayaan kasoo baxay Khamiistii ayuu Goluhu ku sheegay inuu ka walaacsanyahay dabeecadaha ku dhisan wax kharribaadda iyo daandaansiga ee xakuumadda Pyongyang.

Goor sii horreysay oo Khamiistii ah Midowga Yurub ayaa kusoo rogay Kuuriyada Waqooyi cunaqabateyn cusub, taasoo ay uga aargoosanayo tijaabooyinka isdaba jooga ah ee ay dhawaan Kuuriyada Waqooyi ku tijaabisay gantaalada niyukleerka iyo kuwa balistikada, gaar ahaan kii ugu danbeeyey ee ay ku tuurtay badda Japan Arbacadi.

Midowga Yurub ayaa weydiistay Kuuuriyada Waqooyi in ay qaboojiso daandaansiga ay wado isla markaana ay ka baxdo dhamaan barnaamijyada niyukleerkaMaraykankaAbriil 08, 2017 Safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz, ayaa shalay oo khamiis aheyd booqday magaalladda Lewiston ee dalka Mareykanka, isagoona halkaasi kula kulmay Soomaali ganacsi ku leh halkaasi.

Safiirka ayaa kulan dadweyne ku qabtay magaallaadda waxaana uu u sheegay qaxootiga ku nool Lewiston in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya loo doortay uu ku caawin doono in ay dalkooda ku noqdaan.

Waxaa kullankiisa uu kaga hadlay arrimaha safarada la joojiyay, Qaxootiga iyo xagjirnimadda.

QM waxaa ay ku qiyaastay dadka soomaalidda in kala bar ay u baahayihiin kaalmo, ayuu yiri safiirka.

Dhinaca kale, safiirka ayaa sheegay in shaqada ugu wanaagsan ee noloshiisa soo martay ay tahay in uu ka shaqeeyay dalka Soomaaliya, sidoo kale sababtii uu u booqday magaalladda ayuu ku sheegay in ay tahay in uu dhegeysto qaxootiga Soomaalidda.

Ambassador Stephen M. Schwartz, ayaa dhawaan booqday Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool Portland, Oregon, and Columbus, Ohio.

Soomaalida hadda ku nool Lewiston, ayaa bilaabay in ay halkaasi tagaan sanadkii 2001.

SwedenAbriil 08, 2017 Weerar loo adeegsaday gaari nuuca Xamuula qaado ah ayaa ka dhacay bartamaha magaalada Stockholm ee caasimada dalka Sweden, waxaana weerarkan ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkan ku dhintay shan qof halka tiro kale waa ay ku dhaawacmeen kadib markii dadkan si ula kac ah loo jiirsiiyay baabuur weyn oo nuuca xamuulka qaado ah, waxa uuna weerarkan ka dhacay wadada Drottninggatan ee magaalada Stockholm..

Warbaahinta ayaa sidoo kale ku warameysa in goobta uu weerarku ka dhacay laga maqlay rasaas aan la ogeyn cida rideysa, ciidamada amaanka ayaan halkaasi kawada howlgal iyo baaritaano ku aadan weerarkan.

Ra’iisal wasaaraha Sweden Stefan lofven ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkan gaariga xamuulka loo adeegsaday, waxa uuna ku tilmaamay in weerarkaasi uu yahay fal argagaxiso oo ka dhan ah dowlada Sweden.

Weeraro badan oo loo adeegsaday gaadiid dad si ula kac ah loo jiirsiiyay ayaa ka dhacay wadamo badan oo kuyaala Qaarada Yurub, waxaana inta badan weeraradaasi sheegata in ay ka dambeeyeen Kooxda Daacish.

Maamulka Koonfur Galbeed Abriil 08, 2017 Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa diyaarisay sharci lagu dhisayo nidaamka Dowladaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sharcigan waxa ay horgeysay Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed, sidaasina ay ku ansixiyeen.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Koonfur Galbeed C/raxmaan Sate ayaa sheegay nidaamkan ay soo diyaariyeen in ay kaga gol leeyihiin dhismaha Dolwladaha Hoose ee Maamulkaasi.

Ugaas Xasan Cabdi Maxamed Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Wasaaradda ay soo diyaarisay sharcigaas, lana sugayo in la horgeeyo xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa uu dhisan yahay mudo Labo sano ah, waxaana siyaasiyiinta qaar ee ka soo jeeda Koonfur Galbeed ay Maamulka ku dhaliileen in aysan waxba u qaban shacabka Koonfur Galbeed.

WARARKA MAANTA Abriil 07, 2017
Su’aasha Maanta: Maxay tahay sababta Madaxweyne Mudane Farmaajo inuu gashto tuute asagoo aan waligiis soo marin askari? Mise haddii la magacaabo taliyayaal horay ugu soo fashilmay xilalka loo magaacabay mar kale inay wax ka beddeli karaan amniga Magaalada Muqdisho? Mudane Madaxweyne Farmaajo, waxaanu kuu sheegaynaa inay Taliyayaashan aad magacaawday horay ugu soo fashilmeen xilalkan marka adigana aad ku khaldan tahay in aad mar kale ugu magacaawdo xilalkan marka ogoow ballanqaadkaaga iyo beenta aad Ummada Soomaaliyeed u sheegayso inay sida oo kale u duuban tahay oo aanu Ummadda si waadax/cad ugu soo bandhigi doono. Dowladdan Wada Dadban isma maqasho marka baala xooftada iyo isqaadqaadka iska wado Mudane Madaxweyne Farmaajo.

Muqdisho Abriil 07, 2017 Hay’adda arrimaha Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee lagu magacaabo UNHCR ayaa ku dhawaaqday in dalka ay dib ugu soo celiyeen Qaxooti ku dhow 60 Kun, taasi oo ah tiro badan.

Sidoo kale UNHCR ayaa sheegtay in weli ay socdaan dib u soo celinta Qaxootiga Soomaaliyeed, waxayna Hay’adda tilmaamtay dhammaan dadka ay soo celineyso in ay u badan yihiin caruur iyo dad Da’ah.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda ayaa lagu sheegay dadka la soo celinayo in ay yihiin kuwo iyagu doonaya in ay soo laabtaan, balse aysan aheyn dad si Qasab ah lagu soo kaxeeyay.

Hay’adda arrimaha Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee lagu magacaabo UNHCR ayaa ugu dambeyn shaacisay tan iyo Bishii December 2014-kii in Soomaaliya ay dib ugu soo celiyeen 59,829 Qaxooti Soomaaliyeed ah, kuwaasi oo ku sugnaa xeryaha Qaxootiga ee dalka Kenya.

Garoowe Abriil 07, 2017 Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Dr. Cabdiweli Maxamed Ca

li Gaas wuxuu maantay ku saxiixay magaalada Dubai ee dalka Imaaradka Carabta, heshiishkii Dekada Bosaso lagu wareejinayey.

Safarka madaxweynaha ayaa dhammeystiraya heshiis ay Puntland la gashay shirkadda DP World ee dalka Imaaradka Carab,waxaana lagu wareejiyey shirkaddaas goordhaw dekedda magaalada Boosaaso oo ay dib u dhisto balaarinaysana.

Maamulka ayaa horey u sheegay inay muhiim tahay dib u dhis ay hesho dekedda magaalada Boosaaso oo aan dayac-tir ballaaran helin tan iyo bur burkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo balan qaaday in uu dhiso kaabayaasha dhaqaalaha ayaa ka dhabeeyey isagoo maantoo u dambaysay saxiixay heshiish Puntland wax weyn u taraya waloow lacag badan oo gaar ahna uu qaatay laakiin heshiishku uu anfacayo bulshada Puntland.

Madaxweynaha Puntland waxaa safarka uu ku tagay Dubai ku waheliya mas’uuliyiin golayaasha dowladda ka tirsan, waxaana hadda ku sugan Dubai mas’uuliyiin kale kuwaas oo wada-hadallo la qaadanayay mas’uuliyiinta shirkadda DP World oo laga la hadlayo mashaariico kale markii laga yimaado heshiishka maantay la saxiixay.

Muqdisho Abriil 07, 2017 Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa ka hadlay heshiiska Maamulka puntland uu la galay shirkadda DP-world, kaasi oo ah in Dekadda Boosaaso lagu wareejiyo shirkadda DP-world.

Waxa uu sheegay in uu rajeynayo Mashruucan in uu noqdo mid dhab ah oo si deg deg ah loo bilaabo, isaga oo sidoo kale sheegay Mashruucan in uu kaalin weyn ka qaadan doono hormarinta kaabayaasha Dhaqaalaha Puntland.

Sidoo kale waxa uu sheegay Mashruucaan in uu wax ka bedelayo horamada ka socda Degaanada Puntland, shacabkana looga baahan yahay in ay ku fakaraan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen hormarada Puntland.

C/wali Maxamed Cali (Gaas) Madaxweynaha mamulka Puntland ayaa sheegay in ay rajeynayaan in wax badan uu ka bedeli doono Puntland, isaga oo sidoo kale u mahadceliyay Mas’uuliyiinta shirkadda DP-world.

Qodobada gundhiga u ah heshiiska ayaa ah in Dekeda balaceedu yahay 450 Mitir joogeeda hoosena yahay 12 Mitir oo cusub la dhiso, isla marhaantaana la dayactiri doono Dekeda hada jirta ee Magaalada Boosaaso, lacagta lagu maalgelinayo mashruuca ayaa dhan 336 Million oo Dollar.

Muqdisho Abriil 07, 2017 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sheegay Dowladdiisa in ay la xisaabtameyso Musuq maasuqa ka jira Hay’adaha Dowladda Federaalka.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Afarta sano ee soo socota Dowladdiisa in ay ka shaqeyneyso oo ahmiyad gaar ah ay siineyso la dagaalanka Musuq maasuqa, taas oo uu sheegay in sanadihii ugu dambeeyay ay hareeyeen Hay’adaha Dowladda.

Sidoo kale Waxa uu sheegay hadii lala dagaalamo Musuq maasuqa in ay suuragal tahay in dhaqaalaha dalka uu sare u soo kaco, Dhalinyaradana ay helayaan shaqo.

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay Shabaab iyo Musuq maasuqa in aysan waxba is dhaamin, loona baahan yahay in lala dagaalamo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Dowladda Soomaaliya, si loo gaaro guulo hormar leh.

Maamulka Shabeelaha Hoose Abriil 07, 2017 Gudoomiye ku xigeenka amniga ee maamulka gobolka shabeellaha hoose Cali nuur Maxamed ayaa shegay in dhibaatooyin dhinaca amniga iyo xaalado dagaal ay ka jiraan Shabeelaha hoose, islamarkaana maamulka gobolka kaliya eysasan ku filneyn waxka qabashada amaanka gobolkaas. Cali nuur oo hadlay ayaa waxaa uu tilmaamay in gobolka uu u bahanyahay shaqo culus, iyo in la xoojiyo dagaalka Alshabab,islamarkaana loo baahan yahay in dowladu ay gacan ka geysato howlgalada ka dhanka ah Alshabaab ee gobolka Shabeellaha hoose

UK Abriil 07, 2017 Dowladda Kenya ayaa horey u sheegtay weerarada Shabaab ay ka geystaan dalka Kenya in laga soo abaabulo xerada Dhadhaab, waxaana arintaasi ay keentay in Qaxootiga laga soo raro xerada Dhadhaab.

Dowladda Britain ayaa Gaadiid iyo qalab militari ugu deeqday Dowladda Kenya, si loo xoojiyo Dagaalka ka dhanka ah Xoogaga Xarakada Al Shabaab.

Wasiirka Difaaca ee Dalka Britain, Mike Penning ayaa agabkan militari ku wareejiyay Dowladda Kenya, waxuuna sheegay Ciidamada Kenya ay ka caawin doonan Dagaalka ay kula jiraan Xarakada Al Shabaab.

Wasiirka ayaa waxuu xusay in Gaadiidkan oo lix gaaraya ay yihiin kuw ka hortaga waxyaabaha qarxa, maadaama buu yiri miinooyinka ay yihiin kuwa inta badan lagu waxyeelooyo Ciidamada Kenya.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Wasiir Mike Penning waxuu sheegay in tabaro kala duwan ay siinayaan Ciidamada Kenya ee la geynayo Dalka Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka noqonaya howlgalka AMISOM.

Dalka Kenya ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca Qaraxyo iyo weeraro gaadmo ah oo lagu beegsado Ciidamada Dowladda Kenya, iyadoona weeraradaasi qaarkood ay sheegteen Xarakada Al Shabaab

Hargaysa Abriil 07, 2017 Maamulka Somaliland ayaa ka digay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay fara gelin ku sameyso heshiiska saldhiga Millitari ee Dowladda Imaaraadka Carabta ay ka furaneyso Magaalo xeebeedka Berbera.

Somaliland ayaa waxa ay sheegtay in aysan marnaba aqbali doonin in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay fara gelin ku sameyso saldhiga Millitari ee Imaaraadka uu ka furanayo Magaalada Berbera.

Afhayeenka Madaxtooyada Maamulka Somalailand Xuseen Cige ayaa sheegay in Somalailand ay ka soo horjeedo Mooshinka xildhibaanada Baarlamaanka ay ka wadaan saldhiga Berbera.

Xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Arbacadii ina dhaaftay waxa ay diyaariyeen Mooshin ay kaga soo horjeedaan saldhigaasi, kaasi oo loo qeybiyay xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka.

Nairobi Abriil 07, 2017 Dowladda Maraykanka ayaa muwaadiniinteeda ku sugan Dalka Kenya iyo kuwa u safrayaba uga digtay rabshado laga yaabo iney halkaasi ka dhacaan Bisha August oo ah xilliga loo madlan yahay Doorashooyinka Dalkaasi.

Hadalkan oo ka soo baxay Xafiiska arrimaha dibedda Dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in ay dhici karaan dibed baxyo nabadeed iyo mudaharaadyo, kuwaas oo isu beddeli kara rabshado ay wax ka soo gaaraan Dad u dhashay Maraykanka.

Waxaa sidoo kale digniintan lagu sheegay in sida aalaaba dhacda ay fursad u noqon karto argagixisada, kuwaas oo laga yaabo iney beegsadaan ka qaybgalayaasha iyo martida kale ee Doorashooyinka.

Dowladda Maraykanka ayaa dhowr goor oo hore soo saartay digniino caynkan oo kale ah, iyadoo muwaadiniinteeda jooga Kenya ku war gelineysa inay ka feejignaadaan degaanada ay rabshadaha ka dhacaan.

WARARKA MAANTA Abriil 06, 2017
Su’aasha Maanta: Maxuu dhulka ugu jeeday Ergayga Qaramadda Midooway u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating Dowladda Somaliland? Maxay tahay sababta Dowladda Soomaaliland ay u rabto inay uga go’do Soomaaliya? Ma dadka deggan Somaliland kaliya ayeey dishay dowladdii xoog badnayd ee Miliariga taasoo uu hoggaamin jiray Sareeye Gaas Madaxweyne Mudane Maxamed Siyaad Barre? Ma waxaa jira qabiil aan qabiil kale aano iyo gar u qabin gudaha Soomaaliya? https://www.youtube.com/watch?v=ekkyXegHwu0

Muqdisho Abriil 06, 2017 Kulankii Khamiislaha ahaa ee Golaha Wasiirada Somaliya ay maanta ku yeesheen Xarunta Madaxtooyada, ayaa waxaa lagu soo magacaabay Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka (NISA), Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Abaan Duulaha Ciidanka iyo Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir.

Golaha Wasiirada oo dood ka yeeshay soo jeedin ahayd in xilalkan loo magacaabo xubno cusub, ayaa dood ka dib meelmariyay xubnahan cusub.

Taliyaha NISA, ayaa waxaa loo magacaabay C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), iyadoona xilkaasi laga xayuubiyay Taliyihii hore ee NISA, General C/laahi Gaafow Maxamuud.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa loo magacaabay Thaabit Cabdi Maxamed, waxaana xilkaasi laga qaaday Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani).

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa waxaa loo magacaabay General Axmed Maxamed Jimcaale (General Cirfiid), iyadoo xilkaasina laga xayuubiyay General Maxamed Aadan Axmed (Buud).

Abaan Duulihii Ciidanka Xoogga, General Cali Baashi Maxamed Xaaji Cumar oo xil ka qaadis lagu sameeyay, ayaa booskiisii loo soo magacaabay General C/laahi Cali Caanood.

General C/xakiin Daahir Saciid (Saacid), ayaa waxaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliyed, ka dib markii xilkaasi laga qaaday General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

Goor dhow, ayaa waxaa lagu wadaa in Wasiirka Warfaafinta, C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) uu Saxaafadda uga warbixiyo magacaabista xubnahan cusub.

Muqdisho Abriil 06, 2017 Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa Baaq Deg Deg ah u diray Maleeshiyo Beeleed ku dagaalamaya Tuulooyin Hoostaga Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in wax laga Xumaado ay tahay in iyadoo Dalka ay Abaar xun ka jirto in lagu Dul dagaalamo Dadkii ay Abaartu daashatay,waxaana uu Dalbaday in Deg Deg loo joojiyo Dirirta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe iyo kan Hirshabeelle ayuu ugu baaqay in ay wax ka qabtan dagaalka lagu Gubay Tuulooyinka islamarkaana ay u istaagaan sidii loo damin lahaa.

Muqdisho Abriil 06, 2017Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Yusuf Garaad Omar ayaa maanta si rasmi ah ugala wareegay xilka Wasaaradaasi Wasiirkii hore Dr. Abdusalam Hadliye Omer kadib munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda ee caasimadda Muqdisho.

Xafladda xil wareejinta oo ay goob joog ka ahaayeen Ra’iisul wasaare kuxigeeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Eng. Mahdi Ahmed Guled, Wasiiru dowlaha cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi, Wasiir kuxigeenka cusub ee ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud, Hantidhowrka Qaranka Nuur Faarax Jimcaale, Garyaqaanka guud ee dowladda Cusmaan Cilmi Guuleed, Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir, Xildhibaanno ka kala tirsan Aqalka hoose iyo Aqalka sare, Wasiiru dowlihii hore ee Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Mr. Khaled Omar Ali, Wasiir kuxigeenkii hore ee Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Mr. Ahmed Ali Mohamed “Kadiye”, Wasiirro ka tirsanaa Xukuumaddii hore, Saraakiil amni, Danjireyaal , Diblomaasiyiin, Agaasimeyayaasha waaxyaha iyo howlwadeennada kala duwan ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

Hadal uu madasha ka jeediyay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa ugu horeyntii u mahadceliyay dhammaan shaqaallaha Wasaaradda kuwa gudaha iyo dibadda, isaga oo sheegay inay sharaf u aheyd inuu adeego dalkiisa iyo dadkiisa, waxaana uu ku faanay in muuqaalka dibadda iyo sumcadda Soomaaliya uu sare u qaaday , dunidana uu tusay inay «Soomaali weli nooshahay» .

Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dalalka gobolka si gaar ah Ethiopia, Kenya, Djibouti iyo gacanka carbeed si gaar ah Isutagga Imaaraat-ka Carabta uu yahay mid xoogan oo ku dhisan iskaashi.

Hadliye waxa uu sheegay in mudadii uu xilka hayay dadkii uu u magacaabay xilal safaaradeed ay ahaayeen kuwa mudnaa, kuna xushay aqoon, karti iyo waaya-aragnimo.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda ayaa si gaar ah u xusay xaaladaha dhaqaale xumo ee dalka oo Wasaaradda iyo diblomaasiyiinteena ay la dhibtoodeen.

Danjire, Yuusuf Garaad Cumar, Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Wasaaraddiisu ku arko dad khibrad leh, lana yeelan doono kulamo kala gaar gaar ah iyo mid loo dhan yahay si loo gaaro horumar balaaran , isaga oo ballan qaaday in aragtiyo ay qabaan Madaxda qaranka iyo xogaha Wasaaradda uu ka uruuriyo ku horumarin doono siyaasadda degsan ee arrimaha dibadda.

Wasiir Yuusuf Garaad ayaa sheegay in Wasaaraddiisa oo kaashaneysa Wasaaradaha kale ee dowladda ay socdaallo ku tagi doonto gobollada dalka si loo taabageliyo waxa dalku hiigsanayo.

Wasiiru waxa uu yiri “Waxa aan aaminsanahay Soomaali oo mid ah, waxaanan ilaalinayaa midnimada, wadajirka iyo madax banaanida dalka Soomaaliya, waxaanan daafacayaa xaqqa muwaadinka Soomaaliyeed ha noqdo mid ku dhiban xabsi ama mid qaxooti ah”.

Waxa kale oo uu yiri “ Waxa aan ku shaqeyn doonaa xushmad, dulqaad iyo wadatashi”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa u mahadceliyay shakhsiyaadka ka shaqeeyay bedqabka dukumintiyada Wasaaradda iyo dhismaha Wasaaradda mudadii qaran burburka dalku ku jiray.

Wasiirku waxa uu ballanqaaday inuu sare u qaadayo heybadda iyo milgaha magaca Soomaaliyeed, isaga oo xusay in qof waliba oo shisheeye ah oo dalka soo gala uu noqon doono mid soo mara jihada rasmiga ah ee dowladda oo ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, isagoo caddeeyay in Wasaaraddiisu ay sixi doonto xiriirka dibadda, kana hortagi doonto in laga tallaabo marinka diblomaasiyadeed ee dalku leeyahay.

Danjire, Yuusuf Garaad Cumar, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa uu boggaadiyay howlihii ay qabteen 21 Wasiir oo isaga shaqada kaga horeysay, isagoo sheegay in maqaam sare ay gaarsiiyeen maamuuska dowladnimo ee Soomaaliya.

Mar uu ka hadlayay xaaladda Safaaradaha iyo Qunsuliyadaha guud ee dalku ku leeyahay dibadda ayaa waxa uu sheegay inuu isbadal iyo dib u habeyn ku sameyn doono, hagaajin doonana culeysyada dhaqaalle, taasi badalkeedana uu ku dhaqaaqi doono inuu qiimeyn ku sameeyo Safiirada iyo diblomaasiyiinta howlgala, una howlgeli doono tayeyntooda , si loo helo diblomaasiyiin kooban oo matali kara dalka, gudan kara waajibaadka loo igmaday, kuna shaqeeya awaamirta iyo tallooyinka Wasaaradda, kana tarjumi kara dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Wasiir Yuusuf Garaad Cumar waxa uu yiri “ Aniga oo og yididiilada Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ay ka qabaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, waxaa hubaal ah inaan tayeyn doono Safaaradaha si loo helo diblomaasiyiin lagu kalsoon yahay howl-gudashadooda”.

Wasiirku waxa uu yiri “ Wasaaradda uma dulqaadan doonto diblomaasi kasta oo ka dib dhaca gudashada waajibaadka ka saaran qaranka, uma dulqaadan doonno sidoo kale diblomaasi kasta oo aan daacad u aheyn dalka, waxaan ku shaqeyn doonnaa hufnaan iyo shuruucda kala duwan ee Wasaaradda u degsan”.

Gebagabadii, waxaa xafladda ka hadlay Ra’iisul wasaare kuxigeeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Mahdi Axmed Guuleed, oo sheegay in Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Wasiiru dowlaha iyo Kuxigeenka ay ku hareereysan yihiin rug cadaa diblomaasiyiin ah iyo aqoonyahanno, lana filan karo in guullo wax ku ool ah ay gaaraan.

Ra’iisul wasaare kuxigeenka ayaa ka hadlay qiimaha nabadda ay u leedahay dadka Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in Istiraatiijiyadda Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ay diiradda saareyso nabad iyo nolol.

Xafladda oo dukumintiyo uu kula wareegay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Yusuf Garaad Omar ayaa ku dhammaatay jawi guul ah.

Muqdisho Abriil 06, 2017 Waxaa xalay lagu dilay degmada Waabari nin dhalinyaro ah kaa.uu dilay shaqsi ay murmeen

Dilka ayaa waxaa geestay shaqsi lagu magacaabo Gacamay kaa oo  bistoolad madax ugu dhuftay wiilka uu dilay oo muranka dhex maray

Ninka dilka geestay ayaa durbadiiba  qabteen laamaha amniga kuwaa oo ku xiray laanta danbi baarista

Magaalada Muqdisho ayaa xiligaan u muuqato.mid amniga ka sii baxaayo faraha iyadoona  sida muuqato amni darada ay keentay kala wareejinta dowlada Cusub,

HirShabeele Abriil 06, 2017 Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa sheegay isaga iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo Ciidanka AMISOM ee ku sugan Gobolka Hiiraan in ay ku baxeen Dagaal beeleedyo xiisadahooda ay ka taagneyd qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan.

Waxa uu sheegay in ay ku guuleysteen qaboojinta xiiasadaasi hase ahaatee loo baahan yahay in kulamo is arag ah Odayaasha labada dhinac ay yeeshaan, kaasi oo la filayo in uu ka dhaco Magaalada Beledweyne.

Cali Jeyte Cusmaan ayaa sheegay Saraakiisha Ciidanka AMISOM ee ku sugan Gobolka Hiiraan marka laga tago Dagaalka Al-shabaab in ay gacan ku siiyaan dib u heshiisiinta Beelaha ku dagaalama Gobolka Hiiraan.

Madaxda ugu sareysa Maamulka Hirshabeelle ayaa waxa ay isku dhaafeen Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxaa dhowaan Magaalada Beledweyne safar ku tagay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble, iyada oo shalay isla magaaladaas uu gaaray Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

Shabeele Hoose Abriil 06, 2017 Wararka naga soo gaaraya Degaanada Boofoow iyo Kabtanlaas ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya inuu hadda ka soconayo Dagaal u dhexeeya Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo Al-shabaab.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Dagaalku uu yimid ka dib Markii Ciidamada Dowladda ay Weerar ku qaadeen Fariisimo Al-Shabaabku ay ku leeyihiin,waxaana Dadka degaanka laga soo xigtay in ay Maqlayaan Jugta Madaafiic ay labada dhinac is weydaarsanayaan.

Degaanada Boofoow iyo Kabtanlaas ayaa u dhow Degaanka Janaale oo hadda ay Maamulaan Dagaalameyaasha Al-shabaab.

Illaa hadda Lama Oga Khasaaraha uu Sababay Dagaalka ka socda Gobolka Shabellaha Hoose ee u dhexeeya Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab.

Muqdisho Abriil 06, 2017 Gudiga doorashada maamulka Galmudug ayaa soo gabo gabeeyay qabashada araajida Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha maamulka Galmudug oo lagu wado in Cadaado lagu qabto 10-ka bishan April.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Xildhibaan Maxamed Xasan Geelle ayaa sheegay in ay soo gabi gabeeyeen diiwaan gelinta musharaxiinta xilka Madaxweynaha, waxa uuna tilmaamay in sedex Musharax ay buxiyen Shuruudihii looga baahnaa.

Musharaxiinta Madaxweyne ee isku soo taagay qabashada Xilkii uu baneeyay Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa kala ah , Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Musharax Axmed Shariif, iyo Musharax C/Qaadir Shirwac.

Sedexdan Musharax ayaana ku tartami doona Doorashada Madaxweynaha Galmudug hadii uusan isbadal imaan waxna laga bedelin waqtiga doorashada loo qorsheeyay, waxaana Liiska Musharaxiinta ka maqan xubno horey loo hadal hayay.

Gudoomiyaha Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in aysan waxbo iskabadaleyn jadwalka doorashada Madaxweynaha, waxa uuna tilmaamay in doorashada ay dhici doonto waqtigii loogu tala galay.

Doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa u muuqata mid aan xiiso badan laheyn xiligan, waxaana la filayaa in Magaalada Cadaado gaaraan dhawaan Masuuliyiin katirsan Xukuumada kana dalbadaan Baarlamaanka in doorashada dib loo dhigo si ay u noqoto mid loo dhan yahay.

WARARKA MAANTA Abriil 05, 2017

Muqdisho Abriil 05, 2017 Qarax Miino ayaa ka dhacay Agagaarka Safaaraddii hore ee Turkiga, haddana ay degen tahay Safaaradda Qadar Ee Degmada Hodan,waxaana la sheegay in Qaraxu uu ahaa Miino la dhigay dhabarka dambe ee Safaaraddii hore ee Turkiga.

Guddoomiyaha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay jiraan Dhaawacyo Fudud oo Qaraxa ka dhashay.

Koonfurta Kuuriya  Abriil 05, 2017 Tijaabinta gantaalladan ayaa dareen ku abuurtay dalalka dariska ah

Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabo ahaan gantaal riddo dheer uga soo gantay dekedda dhanka bari ku taalla ee Sinpo iyada oo ku riday dhanka badda Japan.

Wasaaradda difaaca ee Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in gantaalkaasi uu hawada ku jiray qiyaastii 60 kiiloo mitir.

Waa tijaabadii u dambaysay ee Kuuriyada Waqooyi ay samaysay iyadoo waayadan dambe ay si is dabajoog ah gantaallo u tijaabinaysay, waxayse sheegtay in aysan dagaal uga gollahayn, balse caalamka ayaa ka walwalsan in ay qayb ka tahay nukliyeer ay samaysanayso.

Arrintan ayaana ku soo aaday iyadoo madaxweynaha Shiinuha Xi Jinping uu booqanayo Maraykanka si uu ula kulmo madaxweyne Donald Trump.

Labada masuul waxay ka wada xaajoon doonaan sidii wax looga qaban lahaa nukliyeerka Kuuriyada Koonfureed iyo waliba gantaaladooda kale.

Qaramada Midoobay ayaa Kuuriyada Waqooyi ka mamnuucday in ay tijaabiso gantaallo, laakiin marar badan ayay jabisay cunaqabatayntaas.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka Rex Tillerson ayaa tijaabintan ku tilmaamay “mid kale” oo ka mid ah gantaalada riddada dhexe, isaga oo intaas ku daray “in Maraykanku uu in badan ka hadlay xaaladda Kuuriyada Waqooyi” isla markaasna aysan wax intaas ka badan ka sheegaynin”

Taliyaha milatariga Maraykanka ee bada baasifik ayaa sheegay in ay u muuqato in gantaalkaasi uu ahaa nooca loo yaqaanno KN-15 uuna ahaa kuwa ay riddadoodu dhexdhexaadka tahay.

Muqdisho Abriil 05, 2017 Ururka Midowga Yurub ayaa dowladda Soomaaliya ugu yaboohay 50 Milyan oo Bond oo lagu tala galay in wax looga qabto Barakacayaasha iyo sidoo kale Qaxootiga Soomaaliyeed ee kasoo noqonaya dalka Kenya.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha dowladda Soomaaliya Xaaji Cali Sheekh Maxamed Nuur ayaa sheegay in Midowga Yurub Lacagtaan ay ugu tala galeen Barakacayaasha Soomaaliyeed in loo maamuli doono si wanaagsan.

Sidoo kale Wasiirka ayaa xusay in dadka Soomaaliyeed hadda ay haysato dhibaatooyin kala duwan , islamarkaana dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay soo celiso Qaxootiga Somaaliyeed ee ku sugan dalalka Yemen iyo Kenya.
Midowga Yurub ayaa taageera dowladda Soomaaliya , waxaana Midowga Yurub ay hadda doonayaan in Sare loo qaado Nolasha Barakacayaasha Soomaaliyeed.
Garoowe Abriil 05, 2017 Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Nugal oo mudooyinkii ugu dambeeyay u fadhisay kiis dacwadeed u dhaxeeyay Tv-ga Universal ee deeganada Maamulka Puntland ka Howlgala iyo Maamulka Puntland ayaa shaacisay go’aanka laga gaaray Dacwadda.

Doodda oo ay joogeen bahda warbaahintadeeegnada Maamulka Puntland iyo qareenada u doodayay labada dhinac ayaa ugu dambayntii laga soo saaray dhowr qodob oo ay ku jirtay in la fasaxo TV-gan oo dowladda u xirnaa 32 casho.

Maxkamadda ayaa go’aamisay qodobadan;
In dib xoriyaddiisa u helo TV-ga Universan oo horay dowladdu u mamnuucday in laga daawado gudaha Puntland
In TV-ga laga qaado lacag gaaraysa $2000
Iyo in wasaaradda Warfaafintu ay bixiso lacag dhan $25,600 taasoo ah magdhow ku aadan lacagihii ka baaqday TV-ga mudadii uu xirnaa.

Sanadkaan bilowgiisa ayay aheyd markii Wasaaradda Warfaafinta Puntland ay amar ku bixisay in la xiro Tv-ga Universal Xaruntiisa deeganada Puntland, kadib markii uu baahiyay warar meel ugu dhacaya Sumcadda Madaxda PuntlandDowladda Jubbaland Abriil 05, 2017 Maamul Goboleedka Jubbaland oo ka mid ah Maamulada dalka ka jira ayaa Ciidamada uga digay in ay dhibaateeyaan shacabka ku nool Degaanada Jubbaland.

Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland C/rashiid Maxamed (Janan) oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu fariin u diray Ciidamada, taas oo ah in aysan ku xad gudbin shacabka ku nool Degaanada Maamulka Jubbaland, loogana baahan yahay in ay ilaaliyaan xuquuqdooda.

Dhanka kale C/rashiid Maxamed (Janan) Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland ayaa sheegay Ciidanka Jubbaland hubka ay wataan keliya in ay kula dagaalamaan AL-Shabaab, laakiin aysan aheyn in ay ku dhibaateeyaan shacabka.
Hadalka ka soo baxay Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland C/rashiid Maxamed (Janan) ayaa ku soo aadaya xilli dhowaan Askari ka tirsan Ciidanka Jubbaland uu Qof shacab ah ku dilay bartamaha Magaalada Kismaayo.

Jabuuti Abriil 05, 2017 Saraakiil iyo  Tababarayaal Milliteri oo ka tirsan Ciiddanka Maraykanka ee ku sugan Xeradda Camp Lemonnier ee dalka Jabuuti  ayaa la sheegay inay Ciiddankaasi tababar ku siiyeen Xeradda Camp Singo ee dalka Uganda.

Tababarkaasi oo socday muddo 12 isbuuc ah  ayaa waxay Ciiddanka Uganda la baray sida loo hortago Miinooyinka, hannaanka Isticmalka Hoobiyaha iyo  Tababarka Guud ee Ciiddanka iyo Jiheeyha dhulka.

Kolonel Bonny Baamiseki oo ah Taliyaha Ciiddanka loo soo dirayo Somalia ayaa sheegay inay ku hawl-geli doonaa qaabka loo soo tababaray, isla markaana ku guuleysan doonaan Hawlgalka loo dirayo.

Kolonel Sean Dooley oo ka tirsan Taliska Ciiddanka Isku-xirka Milliteriga ee Geeska Afrika  (Combined Joint Task Force  (CJTF-HOA) ayaa sheegay inuu Tababarkasi muhiim u yahay Hawlgalka AMISOM iyo waxa uu ugu yeeray Badbaadada Nolosha Askarta.

Kolonel Sean Dooley oo ay soo xigatay Shabakadda Wararka ee Taliska Milliteriga Maraykanka ee Afrika (AFRICOM)  ayaa sheegay in dhamaan Ciiddanka Uganda ee loo soo gebagebeeyey Tabaarka in loogu talagalay in la geeyo Safka Hore ee Dagaalka lagula jiro Alshabaab.

Waxa kale oo uu xusay in la rajeynayo inay Ciiddankaasi qeyb ka qaadan doonaan  sidii Somalia loo gaarsiin lahaa Dowlad Xasiloon, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Ciiddankaasi oo kooban in ka badan 1,800 Askari, ayaa la filayaa in Somalia loo soo daad-gureeyo Xilliga Gu’ga ee sannadkan, si ay u xoojiyaan Hawlgalka AMISOM.

Muqdisho Abriil 05, 2017 Shacabka reer Muqdisho oo u nugul dowlada Soomaliya ayaa  xiligaan u.muqato  in uu sabarka sii dhacaayo iyadoona dowlada Soomaliya ee cusub oo sheegtay in ay amniga wax ka qabaneysa ayaa xiligaa  u.muuqato  mid mid amniga faraha ka sii baxaayo.

Doorashasa madaxweyne Farmaajo oo xiligaan laga joogo 58  cisho ayaa waxaa ka dhacay magaalada Muqdisho in ka badan 10 qarax oo ugu danbeeyey oo dhacay maanta oo ay ku dhinteen in ka bada  7 qof oo rayid  ah iyadoona  horay 2 bil u danbeysay ay ku dhinteen in ka badan 100  qpf waxaase shacabka Muqdisho isweydiinayaan waxa  qaraxyada ku ekeeyey kaliya magaalada Muqdisho iyadoona wax qarax ah ka dhicin gobolada kale ee dalka.iyadoo ay joogaan boqolaal ciidamo oo  isugu jiro  ajnabi iyo Soomali

Dhibka ugu badan ee shacabka heysta ayaa ah iamini daro iyadoona dalka ka jirin.dowlad shacabka.u naxdo , shacabka.Muqdisho ay yihiin kuwa ugu dhibka badan ee Soomalia inteeda  kale. Shacabka Muqdiaho ayaa isbarooyin loo dhigtay  wadooyinka magaalada  ee wada xiran halka  isbaarada ugu weyn ee shacabka.Muqdisho.lagu dhiba xiligaan ay taalo eraboorka oo Bas lacag baad ah laga qaadayo 6 doolar sharci dara ah shacab.kana boorsooyinkooda lagu jab jabsho  mana loo ego qof jirin iyo qof wayeel ah.

Galgaduud Abriil 05, 2017 Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in qarax miino lala eegtay Ciidamo Ethopian ah oo aan qeybta ka aheyn Howlgalka AMISOM oo marayay inta u dhaxeysa deegaanada Ceel-qooxle iyo degmada Dhuusamareeb ee isla Gobolkaas.

Qaraxa Miino ayaa la sheegay in uu sameeyay mid kamid ah Gawaarida Ciidamada Ethopia oo kusii jeeday Degmada Dhuuso Mareeb ee Gobolka Galgaduud oo Saldhig Malatari ay ku leeyihiin.

Qaraxa kadib ayaa la sheegay in Ciidamada Ethopia ay fureen rasaas xoogan oo ilaa haatan aan la ogeyn qasaaraha kasoo gaaray dadka shacabka ah ee ku sugnaa inta u dhaxeysa deegaanka Ceel-qooxle iyo degmada Dhuusamareeb.

Ciidamada Ethopia ayaa saddex Maalin ka Hor isaga baxay Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud ee bartmaha Dhulka Soomaliya oo ay haatan ku sugan yihiin dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.

Muqdisho Abriil 05, 2017 Kulankii Xildhibaanada Baarlamaanka maanta ay ku yeesheen xarunta Golaha shacabka ayaa looga hadlay ajandayaal dhowr ah, iyadoo laga akhriyay Mooshin ay soo diyaariyeen illaa 20 Xildhibaan, kaas oo ka dhanka ahaa Saldhiga Imaaraadka Carabta ka dhisanayo Berbera.

Xildhibaanada ayaa loo qeybiyay Mooshinka, iyadoo lagu sheegay in heshiiskii Imaaraadka Carabta iyo Somaliland uu yahay mid dhaawacayo Qaranimada Soomaaliya.

Mooshinka oo ka koobnaa illaa afar qodob ayaa lagu sheegay in heshiiskaas uu khilaafsan yahay shuruucda caalamiga, sidoo kale waxaa ay ka dalbadeen Xukuumadda Soomaaliya in mowqif cad ka istaagto heshiiskaas.

2q3q

Muqdisho Abriil 05, 2017

WARARKA MAANTA Abriil 04, 2017

Maraykanka Abriil 04, 2017 Dowlada Maraykanka ayaa kala laabatay lacagihii deeqaha ahaa ee ay siin jirtay laanta dadwaynaha ee Qaramada Midoabay islamarkana taageerada siin jirtay barnamijka qorshaha qoyska guud ahaan caalamka .

Tilaabadan ayaa hay’adani qaramada midoobey waxa ay ku luminaysaa sanadkan oo kaliya lacag dhan 32 milyan oo doolarka maraykanka ah .

Wasaarada arimaha dibada ee Maraykanka ayaa sheegtay in sababta ay lacagta ugala laabateen ay tahay in hay’adani ay taageerto qorshaha dowlada Shiinaha ee ay dadka ku qasbto in caruurta ay iska soo xaaqaan .

Hay’ada Qaramada Midoobay ee ka shaqaysa arimaha dadwaynaha ayaa waxa ay sheegtay in aysan taageerin aysana hormarin iska soo xaaqida caruurta islamarkana aysan jabin shuruucda Maraykanka .

Horaantii sanadkii la soo dhaafay ayuu madaxwayne Trump waxa uu dib u soo celiyay mamnuucida in dowlada Maraykanka ay wax deeq ah siiso hay’ad waliba oo caalami ah islamarkana bixisa ama ku talisa adeegyada iska soo xaaqida caruurta.

Hargaysa Abriil 04, 2017 Maxkamadda Magaalada Hargeysa ee caasimadda Maamulka Somali-land ayaa maanta lagu wadaa in uu kasoo hor muuqdo Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo sanadkaan bilowgiisa lagu xiray Garoonka diyaaradaha magaaladas.

Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa ku dhawaad muddo laba bilood ah ku xiran xabsiga weyn ee magaalada Hargeysa ee caasimada Maamulka Somali-land, iyada oo mudadii uu xirnaa aan mar kaliya la hor keenin maxkamad.

Qareenka u dooda wariye C/maalik Muuse coldoon ayaa sheegay in wariyaha uuusan laheyn wax dambi ah islamarkaana loo baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha baan xabsiga loogu sii daayo.

Dhanka kale xeer ilaalinta somaliland ayaa warqad ay dhawaan soo saartay ku sheegtay eedaymaha loo haysto wariye Coldoon, kuwaas oo ay ka mid yihiin inuu ka hor yimid qaranimada somaliland iyo inuu aflagaadeeyey madaxda qaranka iyo inuu taageeray madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo wakhtigii la doortay

Ruushka Abriil 04, 2017 Lahaanshaha Goobta uu qaraxa ka dhacay

Xukuumada Ruushka ayaa shaca ka qaaday in 51 qof lagu daweeyay isbataalada. Ka dib qarax ka dhacay goob laga raaco tareenada dhulka hostiisa mara magaalada St-Petersburg .

Dad gaaraya 11 qof ayaa ku dhintay qaraxani oo ay dacwad soo oogayaasha sheegeen in ay u arkaan fal argagixiso .

Warar ay qorayaan qaar ka mid ah saxaafada oo soo xiganaya ila wareedyo dhanka amaanka ah ayaa sheegaya in laga yaabo in uu qaraxani ahaa mid uu gaystay qof isku soo xiray banbaano. Kaasoo ay suuragal tahay in bartamaha Asia uu ka soo jeedo.

Dowlada Maraykanka ayaa balanqaaday in ay Ruushka gacan ka siin doonaan baaritaanada qaraxani .

Madaxwayne Trump ayaa waxa uu u balanqaaday dhigiisa Ruushka in dowlada Maraykanak ay ka caawin doonto Ruushka sidii cadaalada loo hor keeni lahaa kuwii ka danbeeyay qaraxani .

Afhayeen u hadlay aqalka cad ee Maraykanka ayaa waxa uu sheegay in labada hogaamiye ay isku afgarteen in argagixisada hal meel looga soo wada jeesto

Galmudug Abriil 04, 2017 Wasiirka Wasaarada Dastuurka iyo dib u heshiisiinta maamulka Galmudug Cismaan Maxamed Cali Socdaal ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan maamulka Ahlusunna ,islamarkaana ay diyaar u yihiin in ay la heshiiyaan.

Wasiirka ayaa sheegay in Ahlusunna lala heshiin doono Marka la doorto Madaxweynaha maamulka Galmudug.

Sidoo kale Waxaa uu tilmaamay in Galmudug ay tahay maamul goboleed la aqoonsan yahay ,islamarkaana dowladda Soomaaliya ay uga digayaan in ay soo fara geliso.

Waxa uu sheegay Dowlad Goboleedka Galmudug in uu hada ku jiro marxalad adag, taasina ay u baahan tahay dulqaad iyo samir, si looga baxo, maadaama Galmudug ay ka jiraan Abaaro, sidoo kalena ay u diyaar garoobeyso Doorasho.

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre (Xasan Bile) ayaa horey Baarlamaanka Maamulka Galmudug uga dalbaday in Doorashada dib loo dhigo mudo 45 maalmood, si loo yagleelo maamul dhaxal gal ah, inkastoo arrintaasi Baarlamaanka ay ka soo horjeesteen.

Muqdisho Abriil 04, 2017 Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in Xildhibaaada Baarlamaanka loogu baahan yahay in ay joogteeyaan Kulamada Baarlamaanka.

Waxa uu sheegay in aan la aqbali doonin in Xildhibaanada ay si iskood ah ay ugu maqnaadaan kulamada Baarlamaanka.

Waxa uu sheegay in Xildhibaanada Qaranka loogu baahan yahay in ay ilaaliyaan sharciga isla markaana ay si sax ah u gutaan waajibaadka iyo Masuuliyada saaran oo ay u dhaarteen.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay jiraan Xildhibaano u yimaado Xarunta golaha Shacabka isxaadirin oo keliya ka dibna aan kulamada baarlamaanka ka qeyb qaadan, waxa uu sheegay in ay isxaadiriyaan ka dibna ay iska baxaan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa Xildhibaanada Qaranka sidoo kale ugu baaqay in ay mar walbo ilaaliyaan Masuuliyada saaran iyo gudashada waajibaadkooda.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhowr mar shaaciyay in la ganaaxayo Xildhibaanada aan soo xaadirin Kulamada Baarlamaanka

Muqdisho Abriil 04, 2017 Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maalinta beri ah Taariikhdana ay ku beegan tahay 5/4/2017-ka waxaa loo qeybin doonaa Mooshin ka dhan Heshiiska Dekada Berbera ay kula wareegeyso Shirkad laga leeyahay wadanka imaaraadka Carabta.

20-Xildhibaan oo ka Tirsan Baarlamaanka Soomaliya islamarkaana kasoo jeeda deeganada Somali-land ayaa gudoonka Golaha shacabka Baarlamanka Soomaliya u gudbiyay Mooshinka ka dhan heshiiska Dekada Berbera ay kula wareegyso Shirkadd laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.

Xildhibaanada Mooshinka wada waxaa hogaaminaya Xildhibaan C/laahi Shiikh Xasan waxa uuna sheegay in Gudoonka ay u gudbiyaan Mooshinka dekada berbera islamarkaana Xildhibaanada Loo qeybin doono Maalinta Arbacada.

Waxa uu sheegay in Guddooka uu howlo kale ku mashquulay, balse ay isla garteen in maalinta Arbacada Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya loo qeybiyo qoraaladda Mooshin ka dhan heshiiska dekada berbera.

Maamulka Somali-land iyo Dowladda Imaaraadka carabta ayaa dhawaan kala saxiixday heshiis dhigaya in Shirkada lga leeyahay dalkaas ay muddo la wareegto gacan ku heynta Dekada Berbera ee Gobolka Saaxil.

Maraykanka Abriil 04, 2017 mbassador Stephen M. Schwartz oo ah Safiirkii ugu horreeyey ee Maraykanka uga wakiilka noqda Somalia muddo Rubuc Qarni ayaa la filyaa inuu maalinta Khamiista la kulmo Soomaalida ku nool magaalladda Lewiston ee dalkaasi.

Danjiraha iyo Jaalliyadda Soomaalida oo ku kulmi doona Maktabadda magaalladaasi waxay Kulankooda ku eegi doonaan Go’aankii Madaxweyne Trump ee uu xayiraadda dhinaca Socdaalka ugu soo rogay dadka ka soo jeeda 6 Waddan oo Muslim ah oo ay Somalia ka mid tahay.

Ambassador Stephen M. Schwartz waxa uu ka jawaabi doonaa Su’aalaha ay weydiiyaan K-qeybgalayaasha Shirkaasi, taasi oo u badnan doonta arrinta Xayiraadda Socdaalka iyo Xaaladaha Ammaanka iyo Macluusha ka jirta Somalia.

Qaxootiga Soomaalida ku nool Lewiston waxay halkaasi deganaansho ka heleen sannadkii 2001-dii.

Dhinaca kale, Danjiraha Maraykanka u jooga Somalia waxa uu muddooyinkan dambe socdaal ku marayaa Goballadda ay dadka Soomaalida ka deggan yihiin Maraykanka, wuxuuna horey ula soo kulmay Jaalliyadda Soomaalida ku nool Goballadda Portland, Oregon, Columbus iyo Ohio.

Ambassador Stephen M. Schwartz oo xubin ka ah Waaxda Adeegga Arrimaha Dibedda ee Maraykanka waxaa xilka Danjirenimo ee Somalia u soo magacaabay Madaxweynihii hore ee Marayknka, Barack Obama bishii June ee sannadkii hore.

Muqdisho Abriil 03, 2017 Argagixisada Shabaab oo soo duubay cajalad Askari Kenyaan ah oo ay weli haysyaan kaasoo baryaya shacabka iyo dowladda Kenya in laga siidaayo Shabaab.

Muqdisho Abriil 03, 2017 Xildhibaanada Baarlamaanada Soomaaliya oo Maanta Kulan ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho ayaa ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda Sanadka 2017.

Miisaaniyaddan ay soo diyaarisay Wasaarada Maaliyada Soomaaliya ayaa waxaa gaareysaa 267 Milyan oo loogu tala galay Xafiisyada Dowladda.

Lacagtaasi ayaa 60% waxa ay ka imaaneysaa gudaha Soomaaliya, Waxaana 40% ay ka imaaneysaa dibadda.
Furitaanka kulanka ayaa Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Soomaaliya Xildhibaan C/raxmaan Ducaale Bayle Waxa uu Xildhibaanada ka codsaday in ay ansixiyaan sidoo kalena ay fursad bilooyin ah siiyaan si uu u saxo dhaliilasha ay Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta ka qabaan qaabka loo soo diyaariyay Miisaaniyada.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dood dheer ka yeeshay Miisaaniyada iyo wadada loo maray diyaarinteeda, waxaana markii dambe ay Xildhibaanada isku raaceen in la ansixiyo Miisaaniyada.

Sidoo kale Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa isku raacay in 3 bil oo ka bilaabaneyso bishaan April ka dib Baarlamaanka lagu soo celiyo Miisaaniyada, 3 bil gudaheedana lagu saxo qaladaadka ku jira Miisaaniyada.

Xildhibaanada ayaa Wasiirka Maaliyada ka dalbaday in dhamaadka bisha June uu Baarlamaanka horkeeno Miisaaniyad sanadeedka 2017 oo faah faahsan, isla markaana uu ku soo sameeyay sixitaan.

Guddoomiye Jawaari aya sheegay in Wasaarada Maaliyada loogu baahan yahay in ay tixgeliso go’aanka Baarlamaanka.

Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka ka codsaday in ay ilaaliyaan sharciga isla markaana ay joogteeyaan kulamada Baarlamaanka si ay u gutaan waajibaadka loo igmaday.

WARARKA MAANTA Abriil 03, 2017
Su’aalaha Maanta: Maxay qaban kartaa Dowladda Wada Dadban ee uu Madaxweynaha ka yahy Mudane Farmaajo? Meeqo safar ayaa la aaday muddo laba toddobaad/asbuuc ah? Maxuuse qaban karaa Raysal Wasaare Xassan Cali Kheyre iyo tuugtii rabtay inay si sharci-darro ah ku dhacaan khayraadka Ummadda Soomaaliyeed ee Illaahay ku mannaystay? Maxaa horumar laga sugaa nin shalay laba mar xil wasiirnimo ku soo fashilmay oo musuqmaasuq baahsan galay? Wa nasiib darro in dadka musuqmaasuq hareeye ay haanta yihiin wasiiro balse waxaanu ka war sugnaaba waa inay wax sii khalibaan. Illaahayoow Ummadda ka qabo tuugadan!
Muqdisho Abriil 03, 2017 Ururka Argagixisada Al-shabaab oo bandhigtay Muuqaal la daawan karo muddo 7 daqiiqo ah ayaa waxaa kasoo muuqanaya maxbuus kenyaan ah oo lagu qabtay dagaalkii sanadkii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo.

Muuqaalka waxaa kasoo dhex muuqanaya David Ngugi Wataari, oo ka Tirsanaa Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM islamarkaana ka Tirsanaa guutada 120-aad ee madaafiicda, Waxaana uu dhashay gobalka Kiyaambu ee dalka Kenya, sida uu sheegay.

Askarigaan u dhashay dalka Kenya ayaa fariin u diray Dowladiisa iyo qoyskiisa waxa uuna ka codsaday in ay ka shaqeeyaan sidii loogu badbaadin lahaa gacanta Xarakada Al-shabaab oo horey u dishay askar u dhalatay dalalka Burundi iyo Uganda.

“Markale waxaan heystaa fursad aan idinkula hadlo hadaad tihiin dadka reer Kenya, anigoo dalbanaya caawinaadiina,Sidaad ogtihiinba, 15-kii bishii January ee sanadkii la soo dhaafay Waxaa magaalada Ceel-cadde nagu soo weeraray Al-Shabaab kuwaas oo ugu dambeyntii saldhigeena la wareegay, cagtana mariyey xerada iyo wixii ku jiray, qaar badan oo saaxiibadeena ah wey dhinteen, Anaguna Al-Shabaab ayaa gacanta nagu dhigay, anagoo maxaabiis dagaal ah”, ayuu yiri David Ngugi Wataari.

Dowladda Kenya wali kama aysan hadlin maxbuuska ay ka haystaan Xarakada Al-shabaab.

Muqdisho Abriil 03, 2017 Bilihii lasoo dhaafay waxaa madaarka diyaaraddaha Muqdisho laga soo dejinayay dhalinyaro Soomaaliyeed oo si qasab ah looga soo celiyay dalka Mareykanka. Hadaba waxaa amuurtaasi dib usoo celinta ay dhalisay in dhaliilo loogu jeediyo safaaradda Somalia ee Mareykanka oo saxiixday documentiyo lagu celinayay dhalinyaradaasi Soomaaliyeed, inkastoo safiirka Somalia ee Washington Axmed Ciise Cawad uu beeniyay inay ku lug leeyihiin dib u celintaasi, laakiin dadka lagu celiyay dalkooda ay yihiin kuwo maxkamad go’aamisay oo isugu jiray kuwo dambiyo galay iyo dad si sharci daro Mareykanka ku galay.

Qeybo ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee isagoo ka tiinadeysan laga dejiyay Muqdisho ayaa sheegay in ay eedsanayaan Safaaradda Somalia, gaar ahaan Safiirka Axmed Ciise Cawad iyo nin kale oo magaciisa uu ku sheegay Robit oo ka shaqeeyo dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed, howshiisana ay intaasi tahay. https://www.youtube.com/watch?v=pVCuMdjo5aI
Yurub Abriil 03, 2017 Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Dowladaha xubnaha ka ah EU-da ayaa berrito Shirweyne Caalami ku yeelan doona Xarunta Dhexe ee Ururkaasi oo ku taalla caasimadda dalka Belgium ee Brussels, kaasi oo looga hadli doono xaallado badan oo ku aadan Dalalka Carbta, gaar ahaan Xiisadaha ka aloosan dalalka Somalia, Syria, Libya iyo Yemen.

Madaxa EU=da ugu qaabilsan Siyaasadda iyo Ammaanka, Federica Mogherini ayaa Kulankaasi gudoomin doonta

Kulankaasi ayaa waxaa intiisa lagu lafagurayaa sidii loo taageeri lahaa dalka Syria, wuxuuna Kulankaasi hordhac u yahay Shirweyne kale oo bishan April 4-da ilaa 5-da looga hadli doono Arrimaha dalka Syria.

Dhinaca kale, Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Dowladaha xubnaha ka ah EU-da iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Axmed Abu Kheyd waxay berrito Kulan Qado ah kaga hadli doonaan Macluusha ka jirta Somalia.

Wasiiradda waxaa u qorsheysan inay soo saaraan Bayaan ay qeybo ka mid ah kaga hadli doonaan Aragtidooda ku aadan Shirweynaha looga hadli doono Arrimaha Somalia, oo ay Dowladda Britain marti gelin doonta bisha May ee soo socota.

Kulankaasi ayaa ku soo beegmao, iyadoo ay Dowladda Britain ka baxday EU-da oo la asaasay bishii November 1-dii ee sannadkii 1993-kii.

Somaliland Abriil 03, 2017 Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa goor dhaw Isku shaandheyn ku sameeyey xubnaha golaha Xukuumadiisa, waxaana laysku bedelay Wasiiro kuxigeeno, iyadoo sidaas oo kalena la magacaabay Wasiiru dowlayaal cusub.

Madaxweyne Gaas ayaa Wasiir kuxigeenkii Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee dawladda Puntland ka qaaday Cabdiweli Seed Cilmi, wuxuuna u magacaabay Dr Nuur Axmed Yuusuf oo horey u ahaa Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta ee dawladda Puntland.

Mr, Seed ayaa loo magacaabay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee dawladda Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa magacaabay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Iyo Wasiiru dowle cusub oo loo sameeyey, waxayna kala yihiin.

Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Hidaha, Dhaqanka & Isgaarsiinta.

Cabdifitaax Nuur Ashkir Wasiiru dowlaha Wasaaradda Warfaafinta ee dawladda Puntland.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xafiis kiisa ka soo saaray  degreeto xeer  Madaxweyne Lr.39 ee April 02 2017 kuna saabsan magcaabis Wasiiru Dawlayaal iyo Wasiiro Kuxigeeno.

Madaxweynaha Puntland.

Markuu arkay:                      Dastuurka Dawladda Puntland.

Markuu tixgeliyey.                Aqoontooda iyo khibradooda shaqo

Markuu latashaday:             Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa Cabdiweli Seed Cilmi loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Wasaarada Xanaanada Xoolaha.

Waxaa Cabdifataax Ashkir Nuur loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Wasaarada Warfaafinta Hiddaha iyo Dhaqanka.

Waxaa Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil ( Sheekh Aduun) loo magcaabay Wasiir kuxigeenka Wasaarada Warfaafinta Hiddaha iyo Dhaqanka.

Waxaa Dr. Nuur Axmed Yuusuf loo magcaabay Wasiir kuxigeenka wasaarada Xanaanada Xoolaha.

Somaliland Abriil 03, 2017 Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo la hadlay laanta afka Soomaliga ee VOA-da ayaa sheegay in Somali-land ay ku dhow dahay In joojiso Mashaariicdii Horumarinta heliska abaarta darteed.

Cabdiraxmaan (Saylici) Madaxweyne Ku-xigeenka Somali-land ayaa sheegay in deegaano ka Tirsan Somali-land ay haatan ka taagan yihiin abaaro xoogan islamarkaana laga cabsi qabo in Somali-land oo idil macluuli ka dilaacdo.

“Abaartu way soo noqnoqotay sannadahan danbe iyada oo aan abaartii sannadkii hore laga soo waaqsan ayaa abaartanina ay dhacday oo roobabkii Gu’ga ee la heli jirayna ay yaraadeen, iyada oo culaysku jiro haddana Somaliland afarta gobol ee bariga abaar ba’an ayaa haysata”.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Somali-land wuxuu sheegay inkastoo Somaliland tahay maamul gooni isu taag ah, haddana dedaal ugu jiro samato-bixinta bulshadeeda ku tabaalowday abaaraha.

“Waxaannu nahay dawlad yar oo curdin ah oo aan caalamka awood dhaqaale oo badan ka helin, laakin intii itaalkayaga ah waanu dedaalay markii ugu horreysaybana lacag dhan laba milyan oo doollar ayaanu helay oo dadka aanu u siinay waxay cunaan iyo waxay cabaan inta wax kale ay na soo gaadhayaan.”ayuu yiri C/raxmaan Saylici.

Puntland Abriil 03, 2017  Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland Eng C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa ku eedeeyay Madaxda Dowladda Soomaliya inay ka gaabiyeen balanqaadkii ahaa in wax loo qaban doono shacabka Soomaliyeed ee abaarta ay saameysay.

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland Eng C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) ayaa sheegay in dadka Puntland kusoo qaxay iyo kuwii horey u joogayba ay dhimanayaan, haddii aysan helin gargaar deg deg ah.

Waxa uu sheegay in Shaqsiyaad ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaliya in ay gargaar si joogto ah u gaarsiinayaan xarumo kale oo maamul goboleedyadda ah islamarkaama Puntland ay tahay meesha ugu badan ay ku sugan yihiin dadka abaarta ay saameysay.

“Hadii aan la helin kaalmo deg deg ah malmaha soo socda waxaa dhici doonta in dad badan ay u dhintaan Gaajo iyo haraad, madaxda Dowladda Soomaliya waxa ay ku mashquulsan yihiin meelo gaar ah, waxba masoo kordhinayso in lagu raaxayso xarunta dalka ee Muqdisho, ama in lagu dhex shaqeeyo meel ay ku xiran yihiin Qaboojiyayaal”, ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland eng Camey.

Maraykanka Abriil 03, 2017 Trump iyo madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa tilmaamay in dalka Mareykanka oo keliya uu u diyaar garoobi doono sidii uu tallaabo uga qaadi lahaa khatarta nukliyeerka ee kaga imaan karta dalka Kuuriyada Waqooyi.

Trump oo wareysi siiyay wargeyska The Financial Times ayaa laga soo xigtay isagoo leh in hadii Shiinuhu uu xallin kari waayo arrinta Kuuriyada Waqooyi ay taasi noqoneyso in Mareykanku uu faraha la soo galo.

Tijaabadii nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi ee dhawaan ayaa la filayaa in ay ka wada hadlaan Madaxweynaha Mareyknaka iyo dhigiisa dalka Shiinaha Xi Jinping kahor kullanka toddobadkan ka dhacaya gobolka Florida.

La taliyaha dhinaca ammaanka ee Madaxweyne Trump ayaa haatan ku howlan sidii uu u dhameystiri lahaa tallooyin dhowr ah oo ku aadan xaalada kuuriyada waqooyi kahor inta aanu Trump safarkiisi ugu horeeyay ku tagin qaarada Asiya.

Xoghaya arrimaha dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson ayaa isna waxaa uu dhankiisa sheegay in siyaasadii reer galbeedka ee Kuuriyada Waqooyi ay guul dareysatay 20kii sanno ee la soo dhaafay.

Horaantii sannadkii hore ayay aheyd markii golaha amnaanka ee Qaramada Midoobeey ay si wada jir ah u cambaareeyeen dowladda Kuuriyada Waqooyi oo xiligaas tijaabisay gantaallada riddada dheer.

Waxaana xukuumadda Pyongyang oo dhowr jeer tijaabisay gantaalo nukler ah ayaa lagu eedeeyay inay faraha kula jirto qorshe halis ah oo aad u xun.

Hasayeeshee Pyongyang waxa ay dhankeeda sheegtay in tijaabada gantaallada ay qeyb ka tahay barnaamijkeeda hawada.

 Maamulka Gobalada DhexeAbriil 03, 2017 Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca Shiikh Axmed Shaakir Cali Xasan ayaa waxaa isku badal xilal Gudoomiye iyo magacaabis cusub loogu sameeyay qaar kamid ah Gudoomiyayaasha Degmooyinka Maamulka Ahlusuna.

Madaxweynaha ayaa Gudoomiyayaal cusub u magacaabay Degmooyinka Dhuuso Mareeb, Gurceel, iyo Matabaan,waxaan qaarkooda horey usoo qabteen xilal Gudoomiye.

WARARKA MAANTA Abriil 2, 2017

Su’aalaha Maanta: Maxay qaar kamid ah Ciidanka ay u afduubeen wariyaha u shqaynayey Idaacadda Goobjoog? Xaggeese lagu xiray? Yaase ka dembeeyey in la xiro wariyaha? Maxuu galabsaday/ Ma waxaa la diidan yahay inuu runta sheego?
Muqdisho Abriil 2, 2017 Degmada Warta-nabada ee Gobolka Banaadir Kooxo Hubeysan oo gaari watay ayaa goordhaweyd weerar waxa ay ku qaadeen Gaari ay la socdeen Shaqaalo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaliya oo marayay Meel u dhaw Saldhigga Degmadaas.

Kooxda hubeysan ayaa la xaqiijiyay in rasaas ay ku fureen gaariga ay la socdeen shaqaalaha ka Tirsan Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaliya ee marayay meel ku dhow Saldhiga Degmada Warta-nabada.

Gaariga la weeraray ayaa la xaqiijiyay in ay saarnaayeen 3-ruux oo kamid ahaa shaqaalaha wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaliya.

Labo kamid ah ayaa dhaawac u soo gaaray, mid kalana waxaa la xaqiijiyay in uu dhintay magaciisa waxaa lagu soo koobay Cali dheere.

Galmudug Abriil 2, 2017 Isdiwaangelinta Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Maamulka Galmudug ayaa ka socota Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug.

Guddiga Doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa shalay ku dhawaaqay Jadwalka Doorashada, waxaana is diwaan gelinta ay bilaabatay Shalay.

Isdiwaan gelinta Musharaxiinta ayaa ku eg Shanta bishaan.

Doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa lagu wadaa in ay dhacdo 10-ka Bishaan.

Waxaa jira tiro ka badan 10 Musharax oo ilaa iyo hadda Shaaciyay in ay yihiin Musharaxiin u taagan xilka Madaxweynaha maamulka Galmudug.

Khaatumo State  Abriil 2, 2017 Madaxweynaha Maamulka khaatumo oo wax kashifay.

https://www.youtube.com/watch?v=dLrOB9Nnirw

Muqdisho Abriil 2, 2017 Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadi doonto tilaabooyin si deg deg ah loogu bixinaayo Mushaaraadka Ciidamada xoogga dalka iyo sidoo kale Shaqaalaha dowladda.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka hortagi doonto Musuq maasuqa.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa carabka ku adkeeyey in la illaaliyo ammaanada shacabka, si buu yiri loo helo kalsoonida shacabka iyo beesha caalamkaba.

“Waa ceeb inaan bixin weyno Mushaaraadka ciidamadeena iyo shaqaalaheena, waana in qof kasta oo shaqaale dowladeed ah uu helaa xaquuqdiisa, qof kasta oo dowladda u shaqeeyana waa in dowladdu ka heshaa wax qabad, howlkarnimo iyo daacadnimo, si dalku horumar ugu talaabsado” ayuu yiri ugu dambeyn Ra’iisal Wasaare Kheyre.

Muqdisho Abriil 2, 2017 llaha u naxariistee waxaa saaka magaalada Muqdisho ku geeriyooday Nuur Faarax Xirsi oo ahaa Wasiirkii Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumaddii Waqtigeeda dhamaaday ee Ra’isul Wasaaraha ka ahaa Cumar C/rashiid.

Wasiirka ayaa mudooyinkan ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho waxa uuna yaalay Isbitaalka Digfeer halkaas oo la sheegay in looga daaweenayay dhiig maskaxda uga furmay sida ay sheegeen masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya.

Waxaa lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada Muqdisho Wasiirkii Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Nuur Faarax Xirsi , waxaana aaska ka qeyb gali dono masuuliyiin katirsan Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa geerioyooday isaga oon xilka ku wareejin wasiirka cusub ee loo soo mahgacaabay Wasaarada Dakadaha iyo Gadiidka Badda, Wasiirkan geeriyooday ayaana kasoo jeeday deegaanada maamulka Somaliland

Muqdisho Abriil 2, 2017 Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Turkiga ayaa Maanta soo gaari doona Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Turkiga ee Maanta imaanaya uu Maamulka Gobolka Banaadir ku wareejin doono Agab kala duwan oo ay ka mid yihiin Gaadiid uu Turkigu ugu deeqay Soomaaliya.

Turkiga ayaa ka mida Dalalka Saaxiibada dhow la ah Dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana uu Magaalada Muqdisho ka fuliyaa Mashaariic kala duwan,iyadoo Garoonka iyo Dekedda Muqdisho ay Maamulaan Hay’ado Turki ah.

Galkacyo Abriil 2, 2017 Kooxo hubeysan ayaa xalay Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug waxa ay ku dileen mid kamid ahaa ciidamada Dambi baarista ee magaaladaas, sida ay sheegayaan wararka laga helayo Laamaha Amniga ee Gobalka Mudug.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in rag hubeysan ay dileen askarigaan kamid ahaa ciidamada Dambi baarista ee magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, islamarkaana ay goobta ka baxsadeen.

Falka dilka ayaa ka dhacay Woqooyiga magaalada gaalkacyo ee Gobolka Mudug, waxaana uu dilka dhacay xili uu askariga kasoo baxay masjid ku yaala Gudaha Magaladaas, wuxuu kusii jeeday hoygiisa oo aan sidaas ugu fogeyn masjidka.

Ilaa haatan ma jirto cid loo soo qabtay dilka xalay ka dhacay Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug

Muqdisho Abriil 2, 2017 Kooxa hubeysan oo magaalada Muqdisho ku weerarray gaari ay la socdeen shaqaale katirsan Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya, waxaana weerarkan ka dhashay Khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

South Afrika  Abriil 2, 2017 Aas deg deg iyo baroordiiq loo samaynayay Ahmed Kathrada oo dalka Koonfur Africa ka ahaa halyey ayaa isu rogay meel lagu dhaleeceeyo Jacob Zuma.

Goobta ay tacsidu ka dhacaysay ayaa laga jeediyey hadalo looga soo horjeedo tilaabadii uu Jacob Zuma ku eryey wasiirka maaliyada.

Pravin Gordhan ayaa ahaa nin si weyn looga tixgeliyo dalkaas Koonfur Afrika.

Jacob Zuma ayaa ninkan ku badalay Malusi Gigaba oo hadda noqday wasiirka maaliyada ee Koonfur Africa.

Mr Gordhan oo hadlay ayaa sheegay in dalka Koonfur Africa uu galay xaalada qasnaan ah.

Tacsida loo sameeyey halyeygan dhintay ayaa waxaan iman madaxweyne Zuma oo loo sheegay inuusanba ka soo qayb galin.

Dalka Koonfur Africa ayaa hadda gallay xaalad cusub oo siyaasadeed iyadoo eedo badan loo jeedinayo madaxweyne Jacob Zuma.

Sidoo kale waxaa jirra in xisbiga talada haya ee ANC xubno ka tirsan ay madaxweyne Zuma ku eedeynayaan jahwareerka taagan.

Nairobi Abriil 2, 2017 Taliyaha Ciidanka Booliska dalka Kenya ayaa Amar ku bixiyay in Baaritaan deg deg ah lagu Sameeyo dilkii Ciidanka kenya ay Xaafadda Islii ugu geysteen Labo Wiil oo mid ka mid ah uu yahay Soomaali oo ay ku eedeeyeen in ay ka tirsan yihiin Kooxda Supper Power.

Taliyaha ayaa sheegay in Falkaasi uu yahay mid laga Argagaxo ,madaama Ciidanka ay dilka u geysteen si ka baxsan Sharciyadda dalka Kenya.

Waxaa uu sheegay in ay xireen Askarigii Falkaasi geystay ,islamarkanaa ay ku sameyn doonaan Baaritaan deg deg ah.

Hay’adaha u dooda Xuquuqul Aadanaha ayaa Cambaareeyay dilkaasi oo ay ku sheegeen in uu ahaa Xadgudub weyn oo ay ku kaceen Ciidanka Booliska Kenya.

Warbixin ay dhawaan soo saartay Hay’adda u dooda xuquuqul Aadanaha ee Amnesty international ayaa lagu sheegay in Booliska Kenya ay dadka dilaan iyagoo aan ku sameyn baaritaan.

Waxaana ay hay’addu ay sheegtay in ay geysteen 120 dil oo Sharciga ka baxsan.

WARARKA MAANTA Abriil 1, 2017

Su’aalaha Maant: Meeqo hay’addood oo si sharci-darro ah ayaa ka dhex shaqaynaya Soomaaliya?

Barada Abriil 1, 2017 Saxafi Daahir Cabdulle Calasoow oo runta ka sheegay fudeedka iyo balanqaadkii beenooway ee uu Madaxweynaha Dowladda Wada Dadban Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo horay ugu sheegay Ummadda Soomaaliyeed.

https://www.youtube.com/watch?v=ubAfF6UYxIQ

Muqdisho Abriil 1, 2017 Mursl Maxamuud Xoghayaha degmada Hobyo ee Maamulka Galmudug  ayaa sheegay in nabad ay tahay degmada islamarkaana wararkaas howlgalada la sameeyay ay yihiin kuwa been abuur ah oo lagu qalqalgalinayo amniga Degmada. Dhanka kale Mursl Maxamuud Xoghayaha degmada Hobyo ee Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay Maamulka ay soo gaaraaan cabashooyin kasoo yeeraya Kuluumaysatada oo dhibaatootin kala kulmaya Maraakiibta Shisheeye ee ku sugan xeebaha Gobolka Mudug ee Galmudug. Waxa uu sheegay Mursl Maxamuud Xoghayaha degmada Hobyo ee Maamulka Galmudug in ay arintaas u gudbiyeen Wasaaradda kaluumaysiga iyo kheyraadka badda ee Maamulka ay Jawaab ka sugayaan. Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili shalay warbaahinada qaar ay baahiyeen warar ku aadan in Howlgalo baaritaano ah laga sameeyay Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug, islamarkaana dad badan lagu qabtay.

Muqdisho Abriil 1, 2017 Ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michel keating oo ka’hadlay ansixinta baarlamaanka soomaaliya oo meel mariyay golaha wasiiradda ayaa ugu baaqay in si waxqabad ah oo looga talaabayo dhibaatooyinka daashaday gudaha dalka soomaaliya in ay qaadaan. Denjire Michael Keating ayaa intaa ku daray in wasiiradda cusub ee soomaaliya ay yihiin kuwo qibrad iyo aqoon durugsan u leh siyaasadda Soomaliya oo waxbadanna ku dhex jiray.

Waxaana codsiinta baarlamaanka uu ku sheegay in ay tahay mid looga gudbayo abaaraha kajira dalka soomaaliya,amaanka xumid iyo musuq maasuqa Xukuumadihii hore ee Soomaaliya gilaaftay.

Denjiraha qaramada midoobay u qaabilsan soomaaliya ayaa ku amaanay xasan cali kheyre Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya doorka uu haweenka soomaaliyeed ka siiyay golaha wasiiradda ee uu soo dhisay,Isagoo ku tilmaamay in ay tahay talaabo horay loo qaaday.

Sidoo kale Denjiraha qaramada midoobay u qaabilsan soomaaliya ayaa sheegay in ay la shaqeyn doonaan Xukuumadda Cusub ee Soomaliya.

Ugu dambeyntii Xasan Cali Kheyre ayuu sheegay in uu hoosta ka xariiqay ciribtiridda faqiirnimada dhisidda laamaha amaanka dib u habeynta dastuurka si loo gaaro hal qof iyo hal cod sanadka 2020-ka.

Muqdisho Abriil 1, 2017 Madaxwaynaha dalka Maraykanka ayaa saxiixay amar cusub oo looga gon leeyahay in lagula dagaalamo ganacsiga dibada islamarkana hoos u dhigaya isu dheelitirnaan la’aanta ganacsiga.

Madaxwaynaha ayaa waxa uu ku dhawaaqay dib u habayn lagu samaynayo waxyaabaha sababa isu dheelitirnaan la’aanta ganacsiga gaar ahaan Shiinaha iyo Maraykanka.

Isbuuca soo socda ayaa lagu wadaa in madaxweyne Donald Trump uu la kulmo madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, waxayna ku kulmi doonaan gobolka Florida.

Donald Trump ayaa intii uu hayay xilka madaxweynenimada Maraykanka waxa uu saxiixay go’aano muran weyn dhaliyay si adagna loo dhaliilay.

Shiinaha ayaa waxa uu ka mid yahay wadamada sida weyn ganacsi ula leh dalka Maraykanka, gaar ahaan alaabta la dhoofiyo.

Nairobi Abriil 1, 2017 Ciidamada Ammaanka dalka Kenya ayaa toogtay labo qof oo la sheegay in ay ka mid ahaayeen Kooxaha Burcada ah ee dhibaatada u geysta dalka kunool Magaalada Noirobi.

Labada qof ee ay toogteen Ciidamada Ammaanka ayaa la sheegay in ay ka tirsanaayeen Kooxaha loo yaqaano Super Power.

Mid ka mid ah labadaasi qof waa Soomaali , halka midkalena uu yahay Oromo sida ay xaqiijiyeen dad ku sugnaa goobta ay wax ka dhaceen.
Ciidamada loo yaqaan Flying Squad ee qaabka dharcadka u hawlgala ayaa bartamaha xaafadda Islii, gaar ahaan wadada u dhaxeysa Suuqa 1-aad ee Islii, suuqyada Amal iyo Taysir, waxa ay ku toogteen

Hirshabeele Abriil 1, 2017 Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in ay dhisayaan Dekedda Ceelmacaan ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay ka shaqeynaayaan sidii uu maamulka Hirshabeelle ay u yeelan lahaa Gaabayaal dhaqaale oo maamulka ku filan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Dekedda Ceelmacaan ay u shaqeyn doonto sida ay u shaqeeyaan Dekeddaha Boosaaso iyo Muqdisho.

Maamulka Hirshabeelle ayaa doonaya in ay dib u habeyn ay ku sameeyaan kaabayaasha Dhaqaalaha degaanada maamulka Hirshabeelle.

Midowga Yurub Abriil 1, 2017 Wax garad iyo  siyaasiyiin ka soo jeeda beesha Ra iisal wasaaraha Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ugu digay in uu talada ka qaato shaqsiyaadka ku heybta ah oo 10kii sano ee  la soo dhafay Xildhibaano ahaa dowlada badana soo fashiliyay iyagoo u adeegaya cadowga Soomaliya ee Etoobiya Shaqsiyaadkaas  oo mudooyinkaan isku dayay in ay talo muhiim ah siyaan hadana hoosta ka jilaafayey Ra iisal wasaaraha  si ay u fashiliyaan dowlada Soomaliya oo xiligaan heysata taageerada   shacabka soomaliyeed oo dowlad la aantu soo aan feysatay waa yadaana

Shaqsiyaadkaan oo talooyin ay siiyeen Ra iisal wasaaraha ka hor keentay madaxweynaha Soomaliya taa oo keentay in madaxweyne Farmaajo uu u samro Ra iisal wasaaraha si aan looga faaideysan una bur burin danta qaranka Soomaliyeed waana u jeedada ey doonayaan shaqsiyaadka xigtada dhaw u eh raisul wasaare kheyre oo la taliyaal u noqday una tafaceytay burburinta qaranka soomaliyeed tobansano oo la soo dhafayna ahaa xildhibaanadii horboodi jiray moshinada

Shaqsiyaadkaan ayaa  sumcad fiican ku laheen bulshada Soomaliyeed dhaxdeeda madaama u adègaan cadowga Soomaliyeed ee Etoobiya

Odayashan iyo siyaasiyiintaan oo  digniintii ugu danbeesay siiyey Ra iisal wasare Kheyre  ayaa ka gaab saday xiligaan in ay shaciyaan magacyadooda iyo shaqsiyaadka ay u diidan yihiin wasiirka koowaad iyagoona ku goodiyey hadaan taladooda la qadan ay soo gud bin doonaan shaqsiyaadkaas doonaaya in ay fashiliyaan  Xasan Cali Kheyre.

Midowga Yurub Abriil 1, 2017 Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Puntland C/xakiin C/llaahi Cumar Cameey ayaa booqday Kaamamka ay ku nool yihiin dadka abaarta ka soo barakacay ee degaanada Puntland jooga Booqashada Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland ayaa waxaa ku wehlinaayay Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha qoyska Puntland, Masuuliyiin ka tirsan Wasaarada Arrimaha gudaha Puntland iyo Xubno ka socday Hay’adda UNICEF.

Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Puntland C/xakiin C/llaahi Cumar Cameey ayaa warbixino ka dhageystay dadka Barakacayaasha ah iyo horjoogayaasha Kaamamkii uu booqday.

Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Puntland C/xakiin C/llaahi Cumar Cameey ayaa sheegay in ay wax ka qabanayaan dhibaatooyinka heysta dadkaasi.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay dib u habeyn ku sameynayaan goobaha ay ku Saxaroodaan iyo kuwa ay ku qabeystaan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in puntland ay diyaar u tahay caawinta dadka dhibaateysan ee abaartu ay saameysay

Midowga Yurub Abriil 1, 2017 Ururka Midowga Yurub ayaa waxa ay sheegeen in Abaarta ka jirta Soomaaliya ka digayaan in ay ka dilaacaan Cudurro dhibaato badan u geeni kara Bulshada Soomaaliyeed. Hay’adaha gargaarka ee Midowga Yurub ayaa ka digay in dalka Soomaaliya oo ay haatan ka jiraan abaaro ba’an ay dadku sidoo kale wajahayaan xannuuno ay kamid yihiin daacuunka.

Madaxa gargaarka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Mr Johan Heffinck ayaa sheegay in sanadkaan oo keliya la diiwaan geliyay in kabadan 18 kun oo kiis oo cudurka daacuunka ah, Halka sannadkii aynu soo dhaafnay la diiwaan geliyay in kabadan seddex kun oo kiis.

Meelaha ugu daran waxaa ka mid ah degaanada maamulka Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

Qaar ka mid ah saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in dadka uu ku dhacay xannuunada ka dhashay abaaraha tiradooda ay sare u sii keceyso.

Gobollada ugu daran waxaa ka mid ah Bay, Bakool iyo Gedo oo lagu warramayo in qiyaastii 600 oo qof oo qaba xannuunno kala duwan oo abaaraha ka dhashay la seexiyay xarumo caafimaad.

Waxay u muuqataa in xaaladda abaarta ay sii xumaaneyso iyadoo qeybo ka mid ah degaanada Soomaaliya laga billaabay in loo gurmado dadka ay gaajadu hayso.

Qaramada Midoobay waxay horay uga digtay in abaarahani ay isu bedeli karaan macluul la mid ah tii dhacday 2011-kii. Markasoo kumanaan qof ay dhinteen

WARARKA MAANTA Maarso 31, 2017

Su’aalaha Maanta: Meeqo dowladdood ayaa ka dhex jira Soomaaliya? Mise ma habboon tahay maamul qabiileed inuu maalin-kasta caayo dowladdiisa? Jawaabta waxaa iska leh Ummadda Soomaaliyeed!

Wasiirka ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Dowladda Somaliland Axmed Maxamed Keyse oo jawaab kulul siiyeey Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Khayre kaasoo faraha laha hawlaha siyaasadda Dowladda Maamulka la miagac-baxay Jamhuuriyadda Somaliland haddaba ma beentii iyo isma-qiiq dadka loo wada sheegayey “Ummadda Soomaaliyeed: ayaa soo dhammaanaya oo hadda waxaa la kala garan la yahay Maamulka Somaliland, Maamulka Khaatuo Iyo Maamulka Awdal State. Ummadda Soomaaliyeed waxay la yaaban tahay qabaa’ilo calan beeleed wada saartay hadda dowlad isku-wada sheegaya ayagoo xitaa waxba u qaban karin dadka masaakiinta ee ay ku andacoonayaan inay masuul ka wada yihiin.
https://www.youtube.com/watch?v=EP1Ksv4b6S4

Maraykanka 31 Maarso 2017 Madaxweynaha dalka mareykanka Donald Trump ayaa amray in la’qaado tallaabo looga hortagayo qasaaraha soogaara shacabka soomaaliyeed si xaalado wanaagsan ay ugu noolaadaan waxaana uu ku dhawaaqay in soomaaliya ay tahay goob dagaal(War Zone).
Trump ayaa sheegay in soomaaliya ay tahay goob cadaawad looga dhaqmo sida uu daabacay wargeyskaa New York Times ee kasoo baxa dalka Mareykanka waxaana intaa uu ku daray in muhiim ay tahay ka howlgelinta soomaaliya saraakiil sar sare si’ loola dagaalamo Xarakada Al-shabaab oo ku sugan meelo badan oo soomali ah.

Wargeyska ayaa soo xiganaya hadal uu todobaadkan yiri taliyaha sare ee qaarada Africa u qaabilsan Gen. Thomas D. Waldhauser”waa mid muhiim oo waxbadan ka’caawineysa soomaaliya in waxbadan laga qabto xaaladda dalka soomaaliya iyadoo go’aanka mareykanka uu qaatay uu yahay mid muhiim ah.

https://www.youtube.com/watch?v=EP1Ksv4b6S4

Muqdisho 31 Maarso 2017 Waxaa wali ismaan dhaaf ka taagan yahay sidii looga qaadi lahaa wasiiradii hore kuwaa oo diidan in ay wareejiyaaan gawaaradii aan hubka karin ay wali heystaan.

Ra iisal wasaraha cusub ayaa ku war galiyey in wasiirada cusub lagu wareejiyo baabuurta deeqda lagu keenay ee loogu tala galay wasiiaraxa iyadoona amarkaas wali ay ka.madax adeegayaan wasiiradii hore in ay wareejiyaan gawaaridaas iyagoo ku doodayo in ay yihiin xildhibaan qaran sidaana ku heysanayaqn Baabuurta aan hubka karin

Ra iisal wasaraha ayaa u sheegay wasiiradii hore hadii xildhibaqn qadanqyqqn  baabuurta aan hubka karin 275 xildhibaan.la siin lahaa markq.madaama wasiirada loogu talay  si deg deg ah ku soo wareejiya ayaa lagu amray.maanta

Xaalada Baabuyr wareejinta ayaa ah mid wali.leysku.mari la yahay iyadoona arinkaan.lqga yaabo in boliiska.lagu amro in ay qasab uga soo  1adan wasiiradii hore ee diidan in ay wareejiyaan gawaarida ay leeyihiin dowlada

Muqdisho 31 Maarso 2017 Raysal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Golaha Wasiirada cusub waxa uu ka dalbaday in ay soo bandhigaan Hantidooda gaarka ah, maadaama ay qabanayaan xil Qaran.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa Golaha Wasiirada waxa uu ka codsaday in ay soo buuxiyaan Foomam ay ku qoran yihiin Decomentiyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Anshaxa iyo qaabka ay u shaqeynayaan.

Sidoo kale Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay Golaha Wasiirada Soomaaliya in lagula xisaabtamayo hantida Qaranka.

Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa ka hadlay arrimahan.

Muqdisho 31 Maarso 2017 Ciidamada dowladda soomaaliya waxaa xaley holwgalo dad badan lagu soo qabqabtay ay ka sameeyeen degmada Hodo nee Gobolka Banaadir.

Howlgalka oo la sheegay in si qaas ah ay u sameynayeen ciidamada Nabad Sugida ee Nisa waxaa la xaqiijiyay in lagu soo qabqabtay dhallinyaro badan.

Qof kamid ah dadka kunool degmada Hodon waxa uu sheegay in howlgalka si qaas ah lagaga sameeyay Xaafada Bangaariyada ilaa suuqa qudaarta ee Bakaaraha.

Ciidamada ayaa la sheegay in baadigoobayeen shaqsiyaadki ka danbeeyay weerar madaafiic oo shaley lagu qaaday xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya waxana ciidamada dadka ay u sheegayeen in madaafiicda laga tuuray degmada Hodon.

Jabuuti 31 Maarso 2017 Waxaa dalka Jabuuti maanta kusoo Xidmay shirkii Wadahadalka ee u dhexeeyay Maamulada  Khaatumo iyo Somalilannd, kaasi oo ka socday Maalmihi lasoo dhaafay.

Shirka ayaa waxaa laga soo saaray Go’aano ku saabsan  in wadahadalku sii socdo,  Arimaha Colaadaha, Nabadgelyada, Abaarta, Horumarinta deegaanada,  In Odayaasha dhaqanka   wixii ku saabsan Dhiig iyo Dhaqan lagala Tashado iyo Qodobo kale oo  ku dhow Kuwii Horay uga soo Baxay Wadahadalii hore.

Wadahadalka ayaan Diirada Lagu saarin Arimaha Masiiriga ah, waxaana dad badan  ku sheegeen inay la midyihiin Kuwii ka dhici Jiray Dalka Turkiga ee u dhexeeyay DF Soomaaliya iyo maamulka S.land ooArimaha Masiiriga ah  aan Looga doodi Jirin. Lamana Hubo Halka ay Biyo dhigan doonaan.

Go’aanada Ay labada dhinac wada Gaadheen ayaa waxay u Qornaayeen Sidan.

1- Waxaa la isla qaatay in si sugan looga wada Shaqeeyo Arinta Nabadaynta, ee u dhaxaysa Beelaha Walaalaha ah ee ( Bahar-same iyo Qayaad ) Si Buuxdana loo taageero oo la Garab istaago Gudiga Nabadaynta ee Howshaa Gacanta ku haya.

A- Wixii in wixii Faro-gelin ah Gudaha iyo Debedaba ee wax yeelayn Kara Nabadaynta Labaasi Beelood meel looga soo Wada jeesto.

2-Waxaa si Buuxda la iskula Qaatay In howlaha Abaaraha iyo Horumarinta Deegaanadaasi la iska Kaashado si wada Jir ah.

3- Waxaanu Si wada Jir ah ugu Baaqaynaa in Hay’adaha Caalamiga ah iyo Kuwa Maxaliga ahba inay Howlgalaan Dhamaan Gobolada iyo degmooyinka aanay Hore u tagi Jirin, Halkaasi oo imika ayna wax Nabad-gelyo Daro ah ka Jirin, Loona sameeyo Gudi wada Jir ah.

4- Waxaa la iska gartay in maamul daadejintu aasaas u tahay Nabad ku wada Noolaanshaha iyo Kobcinta Awooda Bulshada,  Sidaas Darteed waa in la gaadhsiiyo oo laga Abuuro Maamul iyo adeega Bulshada meelaha Aanay hore uga Jirin, Hay’adaha Samafalkuna ay doorkooda ka qaataan.

5- In meel looga soo wada jeesto wax kasta oo Caqabad ku Noqon kara Hanaanka Wada-hadalka  Labada dhinac.

6- In wixii dhiig iyo Dhaqan ku saaabsan lala Kaashado Odayaasha dhaqanka si wada Jir ah.

7- Waxaa la isla qaatay in gudiga Farsamadu soo diyaariyo Shirka Danbe, Soona Cayimo Goorta iyo Goobta Sida ugu dhakhsaha Badan.

8- Waxaa la isla qaatay in yoolka Wada-hadalka uu Saldhig u yahay Is-aamid, Wada-shaqayn, Nabadgelyo Iyo Horumar dhankastaba ah.

Waxaa Saxiisay :

Gudoomiyaha Wafdiga khaatumo Maxamuud Sheekh Cumar.

Gudoomiyaha Wafdiga Somaliland  Maxamed Mixile Boqore

Muqdisho, 30 Maarso 2017 Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii ugu horeeyey kadib ansixintii Baarlamaanka ee shalay 29 Maarso 2017.

Shirkan waxaa guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre, waxaana ugu horeyn looga hadlay Ajande ka kooban soo dhoweyn, Nidaamka iyo xeerararka shirarka Golaha, Diyaarinta xil la wareegida Wasiirada cusub, Qorshaha Xukuumadu ku shaqeyn doonto, Arrimaha Amniga iyo Abaaraha.

Ugu horeyn Ra’iisal Wasaaraha oo furay shirka ayaa ku wargeliyay Wasiirada in shacabku uga fadhiyo Xukuumada howl adag oo hufan, loona baahan yahay in laga dhabeeyo rajada shacabka. Ra’iisal Wasaaraha ayaa faray golaha Wasiirada cusub inay buuxiyaan Foom ay ku cadeynayaan in xubin kasta oo ka mid ah golaha uu waajibkiisa u guto si daacad ah, Aamin ah, ayna soo bandhigaan macluumaad rasmi ah oo ku aaadan hantida gaarka ah, iyada oo la waafajinayo sharciga, si loo helo isla xisaabtan dhab ah.

Sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku dheeraaday dhismaha Wasaaradda Gargaarka, wuxuuna xusay in xukuumadu muhiimad gaar ah siisay taakuleynta shacabka, isaga oo faray hay’addaha caalamiga, kuwa gudaha, hay’addaha dowliga, iyo dhamaamba shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan Wasaaradan, si loo gaarsiiyo shacabka abaaruhu aafeeyeen gurmadka ay u baahan yihiin.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa mar uu ka hadlayay Arrimaha Amniga dalka, waxa uu Golaha Wasiirada ku booriyay in awooda la isugu geeyo sugida amniga iyo xasilinta dalka, wuxuuna carabka ku adkeeyey in loo baahan yahay in la dejiyo Istaraatiijiyad Heer Qaran ah oo lagu hubinayo shaqada iyo Hufnaanta hay’addaha Amniga.

“Waxaan galnay marxalad cusub, waana inaan u diyaar garowno sidii shacabka loo gaarsiin lahaa, nabad, xasilooni iyo dib u heshiisiin” ayuu yiri R/wasaaraha oo ka hadlayay shirka Golaha”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaarahu.

Markii uu soo dhamaaday kulanka Golaha Wasiirada ayaa waxaa Warbaahinta la hadlay Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan.

—-DHAMMAAD—-

Muqdisho Maarso 29, 2017 Baarlamaanka Soomaaliya oo goordhaw kulan ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa codka Kalsoonida si buuxda u siiyay Xukuumada Cusub uu dhawaan soo dhisay Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo kulanka Baarlamaanka ka hadlay ayaa Xildhibaanada u aqriyay Barnaamijkiisa Xukuumadiisa u qorsheesan in ay la timaado ,waxa uuna ka codsaday Xildhibaanada in ay codka Kalsoonida siiyaan Xukuumada cusub , waxa uuna balan qaaday in wax qabad muuqda la imaan doonto Xukuumadiisa hadii codka kalsoonida la siiyo.

Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya waxaa soo xaadiray 241-Xildhibaan , waxaana kulanka shir gudoominayay Gudoomiye kuxigeenka koobaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey.

Golaha Wasiirada Soomaaliya waxaa codka kalsoonida siiyay Xildhibaano gaaraya 224 waxaana diiday 15 … Xildhibaan halka ay ka aamuseen 2-Xildhibaan, waxaana sidaasi Codka Kalsoonida ku helay Xukuumada cusub ee Ra’isul Wasaare Kheyre.
Shacabka Soomaaaliyeed ayaa si weyn usoo dhaweeyay Kalsoonida ay Baarlamaanka Soomaaliya siiyeen golaha Wasiirda cusub, waxaana la filayaa Wasiirada cusub in ay si rasmi ah xilalkooda ula wareegaan lana yimaadaan waxqabad muuqda.

Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa goordhaw lagu dhaariyay xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho kadib markii ay si buuxda u heleen codka kalsoonida Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirada helay Codka Kalsoonida waxaa dhaariyay Gudoomiyaha Maxakmada sare ee dalka Abuukaate Ibraahim Iidle Saleebaan, waxa ayna wasiirada ku dhaarteen in dalkooda dadkooda iyo diintooda ay si daacad ah wax ugu qaban doonaan.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo golihiisa Wasiirada ee helay codka kalsoonida Baarlamaanka ayaa la filayaa in dhawaan la yimaadaan waxqabad muuqda, waxaana Wasiiradan soo dhaweyay kuna farxay shacabka Soomaaliyeed in ay heleen Codka kalsoonida.

Golaha Wasiirada cusub ee Xukuumada Soomaaliya ayaa la filayaa in dhawaan si rasmi ah xilalkooda ula wareegaan, waxaana Golaha Wasiirada cusub looga fadhiyaa in ay la yimaadaan waxqabad muuqda .

Muqdisho Maarso 29, 2017 Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaliya Maxamed Shiikh Cusmaan (jawaari) oo ka qeyb galay shir loogu hadlayay qancinta beelaha la heyb soocay ama la xumeeyay ayaa shacabka Soomaliyeed ugu baaqay in ay Madaxda dowladda la xisaabtamaan.

Gudoomiye Jawaari ayaa sheegay in shacabka Soomaliyeed ay wax badan isku qaldayaan islamarkaana ayaga loogu baahan yahay In ay la xisaabtamaan Madaxda Dowladda Soomaliya madaama ayaga loo adeego.

“Dadka qaar waxa ay leeyihiin Madaxda Dowladda Soomaliya waxaan ugu fadhinaa wax qabad, madaxda dowladda ma ahan sareeye Hoose, waa adeegayaasha shacabka, shacabka Soomaliyeed ayagaa loogu baahan yahay in ay madaxda dowladda Soomaliya la xisaabtaam”, ayuu yiri Gudoomiye Pro Jawaari.

Camaan Maarso 29, 2017 Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay Gaaray magaalada Cammaan ee dalka Urdun halkaasi oo uu ka furmayo maanta Shirka Ururka Jaamacadda Carabta.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Cammaan kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Urdun..

farmajo-urdun2farmajo-urdun

Muqdisho Maarso 29, 2017 Waxaa saakay si rasmi ah u dhaqan galay Heshiiskii ay kala saxiixdeen Dowladaha Soomaliya iyo Kenya kaasi oo ku adanaa in duulimaadyadda ka baxa Magaalada muqdisho in ay si toos ah u tagaan Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta International Airport ee Magaalada Nairobi.

Saakay ayaa la xaqiijiyay in si toos ah ay Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho aadan Cadde ay diyaaradaha kaga baxayaan islamarkaana ay ka dagayaan Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta International Airport, iyadoo aysan mareen garoonka diyaaradaha degmada wajeer oo baaritaano lagu marin jirey Diyaaradaha Rakaabka Soomalida.

Qodobada ay Labada Madaxweyne Kala saxiixdeen waxaa kamid ahaa :-

In 2 toddobaad gudohood lagu soo afjaro hakadkii amni (security transit) ee Wajeer ay kusoo mari jireen duullimaadyada ka yimaadda Soomaaliya, halkaas oo ay silic iyo saxariir badan kala kulmi jireen shacabka. Hadda kaddib, duullimaadyada ka yimaadda Muqdisho waxay toos ugu dagi donaan Nairobi.

In muddo bil gudaheed ah laba bar ama marin soohdimeed laga sameeyo Beled-Xaawo/Mandheera iyo Dhoobleey/Libooy, halkaasna ay isaga gooshaan dadka iyo dunyada. Waxaana halkaas ku baxaya darbigii la sheegi jiray, waxaana si xowli ah isugu furmaya ganacsiga.

In laga billaabo maanta dadka haysta baasaboorrada diblomaasiga ah iyo kuwa adeegga (service) ay dal-ku-galkooda (visa) ka qaadan doonaan gegiyada dayuurdaha labada dal.

In arrimaha qaxootiga looga shaqeeyo hannaankii saddex geesoodka ahaa ee ay hore ugu heshiiyeen Kenya iyo Soomaaliya iyo Hey’adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR.

In Kenya ay 200 oo macallin, 200 oo kalkaaliso caafimaad iyo 100 maamulayaal sare oo dowladeed ay si bilaash ah ugu tababareyso Soomaaliya.
In dib loo soo nooleeyo Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga (JCC) halkaasna ay labada dowladood uga shaqeeyaan dhammaan howlaha ka dhaxeeya.

Talaabaaan waxaa soo dhaweeyay Bulshada Soomaliyeed.

Khaatumo State Maarso 29, 2017 Madaxweynaha khaatumo Dr cali khaliif galaydh ayaa kashifay xildhibanada garoowe lagu doortay ee ka soo jeeda deegaanka kahatumo kuna sugan xamar. https://www.youtube.com/watch?v=dLrOB9Nnirw

Canada Maarso 29, 2017 Canada waxa ay sheegtay in ay kordhineyso Taageeradeeda ku aadan dhaqaalaha wax looga qabanayo Abaaraha.

Wasiirka Socdaalka Dowladda Canada Axmed Xuseen oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Toronto ee Dalkaas ayaa sheegay in dowladdiisa wax ka qabashada Abaaraha ay u qoondeysay Lacag dhan 119 Million oo dollar.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in deeqdaasi ay ugu tala galeen in wax looga qabto Abaaraha ka jira Dalalka Nigeria, Sudan , Yemen iyo Soomaaliya, maadaama uu sheegay in Dalalkaas ay ka jirto Cunno yari baahsan.

Ugu dambeyn Wasiirka Socdaalka Canada ayaa shaaca ka qaaday in dowladdiisa aysan marnaba ka seexan doonin sidii ay kaalmo beni’aadanimo uga qeyb qaadan lahayd wax ka qabashada Arrimaha Abaaraha.

Galkacyo Maarso 29, 2017 Maamulka Puntland ayaa Furay Wadooyinkii ku xirmay dagaalladii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee ku yaalla Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Duqa Waqooyiga magaalada Gaalkacyo Maxamuud Yaasiin Axmed ayaa ku dhawaaqay in dowlad goboleedka Puntland ay si rasmi ah ay u fureen Wadooyin ku xirmay dagaalladii Gaalkacyo.

Waxaa uu tilmaamay in ay si shuruud la’aan ah in ay ku fureen Wadooyinka ,islamarkaana Galmudug laga doonaayo in ay Furaan Wadooyinka xiran dhankooda.

Wadooyinka ugu muhiimsan Magaalada Gaalkacyo ayaa ku xirmay dagaalladii u dhaxeeyay Puntland iyo Galmudug ee ka dhacay Gaalkacyo.

Magaalada Gaalkacyo ayaa bilihii lasoo dhaafay waxaa dadaallo nabadeed waday gudoomiyeyaasha Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug iyo Puntland.

Shacabka kunool Magaalada Gaalkacyo ayaa ku qabay dhibaatooyin badan xirnaanshaha WadooyinkaMuqdisho Maarso 29, 2017 Madaxweyniihii hore ee dalka Xassan Sheikh Maxamuud ayaa ugu baaqay mudanayaasha baarlamaanka inay codka kalsoonida siiyaan wasiirada cusub, oo la filayo in maanta la horgeeyo.

Xassan Sheikh oo hada ka maqan dalka kuna sugan Turkiga ayaa ka hadlay arinta ansixinta golaha wasiirada cusub ee uu dhawaan soo magacaabay ra’isul wasaare Kheyre.

“Anigu kuma qanacsani Wasiiradda la soo Magacaabay marka laga reebo hal iyo Labo Balse aan Fursad siino Wasiiradda Magacaaban oo ha dhow haddii ay wax qaban waayaan aan la Xisaabtanno, balse hadda Baarlamaanka Sharafta leh ha siiyaan Codka Kalsoonida” ayuu yiri Xassan Sheikh.

Sikastaba ha’ahaatee golaha wasiirada cusub aya lagu wadaa in maanta la horgeeyo baarlamanka, si ay u weydiistaan codka kalsoonida.

WARARKA MAANTA Maarso 28, 2017
Su’aalaha Maanta: Maxaa sababay inuu mid kamid ah macalimiintii dugsi hoose ee Madaxweyne Farmaajo uu hawada u soo mariyo hanjabaad ah maxaa beeshayda wax loo siin waayey? Mise Ummadda Soomaaliyeed waxay ka rajo go’een ballanqaadkii lagu qalday iyo keenida raysal waaaraha Ummadda Soomaaliyeed ku soo xullo rag horay ugu fashilmay jaggooyin wasiirnimo oo qaarkood ay soo qabteen laba laba wasaaradood? Maxayse ku samayn doonaan labada gole haddii uu Raysal Wasaare Mudane Xassan ka bixin waayo liiska golaha wasiiradda ragga lagu haysto musuqmaasuq baahsan.
 
London Maarso 28, 2017 Guud ahaan maamul goboleedyada dalka iyo dowladda federaalka ah ayaa waxa ay wajahayaan dhaqaale xummo guud iyadoo kuwa gobolladana ay ugu sii daran yihiin.
 
Warbixintan oo afar qeyb ah waxaan mid mid ugu eegi doonaa xaaladaha adag ee soo wajahaya hogaanka cusub ee ay Soomaaliya yeelatay iyo sida ay ula jaanqaadi karaan maamul goboleedyada iyo Caqabadaha jira, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, siyaasada iyo amaanka.
 
London Maarso 28, 2017 2 nin oo ka ganacsada Daroogadda ayaa shalay la soo taagay Maxkamadda magaalladda Milton Keynes ee Gobalka England ee dalka Britain, kuwaasi oo lagu soo oogay dilka Nin Somali ah oo la oran jirey Suhayb Maxamed.
 
Maxkamadda Luton Court oo ay joogeen 7 Garsoore Rag iyo 5 haween ah, waxay ku heshay mid ka mid ah Eedeysanayaasha oo lagu magacaabo Maxamed Nuur oo 33-jir ah inuu isagu daaqad ka soo toogtay Marxuumka. oogashadaasi oo dhacday bishii September 13-dii ee sannadkii hore waxaa gacan ku siiyey Eedeysane kale oo Ajnabi ah, oo lagu magacaabo Albert Prempeh,oo 35-jir ah, kaasi oo Eedeytsanaha 1-aad ku dhiirigeliyey qorshaha lagu dilay Marxumka, Suhayba Maxamed oo 19-jir ahaa.
 
Jordan Maarso 28, 2017 Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa ku wajahan Magaalada Cammaan ee dalka Jordan halkaasi uu kaga qeyb gali doono Shir Madaxeedka Ururka Jaamacadda Carabta.
 
Saraakiil ka tirsan dowladda Jordan ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Soomaaliya uu ka mid yahay Madaxda ka qeyb galaysa Shirkaasi.
 
Shirka Hogaamiyeyaasha Jaamacadda Carabta ayaa Berri ka furmaya caasimada dalka Urdun ee Cammaan ,waxaana ka qeyb galaya hogamiyeyaal badan oo ka socda Wadamada Jamacadda Carabta.
Shirka qodobada looga hadlayo, waxaa ka mid ah Abaaraha ka jira Soomaaliya ,dhibaatooyinka ay la kulmayaan Falastiniyiinta, dagaalada ka socda Yemen.
 
Warbaahinta caalamka oo soo xiganaysa madaxda ka tirsan Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in wadamada Jaamacadda carabta ay si buuxda u taageeri doonaan Dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay lacago badan ugu yaboohi doonaan dadka ay Abaaruhu Saameeyeen
 
Brasiil Maarso 28, 2017 Caaqil Raoni waa hogaamiyaha qabiilka Caiapó waxaanu u ololeeyaa xuquuqda dadka Brazil loogu yimid
 
Mid ka mid ah shirkadaha diyaaradaha ee ugu waaweyn dalka Brazil oo la yidhaa Gol, ayaa aqbashay in ay magdhaw 1.3 milyan oo Dollar ah siiso qabiilo degan kaymaha dalkaas oo dhulkii ay deganaayeen diyaarad shirkaddu leeday oo ku dhacday sannadkii 2006 khasaarena gaadhsiisay.
 
Diyaarad shirkadda Gol leedahay iyo mid kale oo gaar loo leeyahay ayaa isku dhacay iyagoo dul maraya seeraha loo xayn daabay qabiilka Caiapó .
 
Qabiilka Caiapó way diideen in ay dhulkaa diyaaraduhu ku dhaceen dib ugu noqdaan oo degaan, waxa ayna sheegeen in dhulkaasi dikhoobay oo uu habaaranyahay maadaama oo arwaaxdii dadkii dhintay goobtaa gaaf wareegayso.
 
Tuulo ay deganaayeen iyo goob caafimaad oo wakaaladda Brazil ee dadka dhulka asalka u leh taageerta ee la yidhaa Funai ay u dhistay, ayey qasab noqotay in meel kale oo ku taalla seeraha looga dhiso, sidaana waxa telefishanka Globo u sheegay caaqilka Caiapó.
 
Shirkadda Gol iyo hogaamiyeyaasha qabiilkan ayaa dacwad mudo dheer socotay ka dib, waxa ay ku heshiiyeen in ay kiiska maxkamadda ka saaraan waxa aanay bixinta magdhawgan ku kala saxeexdeen xaflad la qabtay bishan horaanteedii
 
Muqdisho Maarso 28, 2017 Kooxda Daacish ayaa waxa ay sheegtay in ay Weerarkii ugu horeeyay oo ay ka fulisay Muqdisho in ay ku dishay Sarkaal ka tirsan Hay’adda Nabad Suggida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.
 
Warbaahinta Daacish ee loo yaqaan Acmaaq ayaa lagu daabacay in dabley ka tirsan Kooxda Daacish in ay Muqdisho ku dileen Sarkaal lagu magacaabo Muxiyaddiin Amadd.
 
Kooxda Daacish waxa ay horay u sheegatay Weeraro ka dhacay Afgooye iyo sidoo kale Magaalada Boosaaso.
 
Waa Markii ugu horeysay oo kooxda Daacish ay sheegato dil loo geystay Sarkaal ka tirsan Nabad Suggida Soomaaliya.
 
Kooxda Daacish ayaa Sanadkii hore qabsaday magaalada Qandala ee Gobolka Bari inkastoo ciidanka Puntland ay dib uga qabsadeen.
 
Muqdisho Maarso 28, 2017 Wararka naga soo gaaraya Wadada Warshadaha gaar ahaan qeybta xigta degmada Wartanabada ayaa waxa ay kusoo waramayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax.
 
Qaraxa ayaa dhacay xalay 3:00 Habeenimo , waxaana la sheegay in jugtiisa laga maqlay Xaafadaha degmada Wartanabadda.
 
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Qaraxa waxaana wararka ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay qarxiyeen Qaraxaasi, Halka Warar kalena ay sheegayaan in Kooxihii Qaraxaasi Aasaayay in uu ku qarxay.
 
Qaraxa ayaa ka dhacay Agagaarka Jaamacadda SIMID
 
Puntland State Maarso 28, 2017 Wareegto kasoo baxay Xafiiska mMadaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa lagu magacaabay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ee Xariirka caalamiga ah Puntland.
 
Burhaan Cilmi Xirsi ayaa loo magacaabay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ee Xariirka caalamiga ah ee Maamulka Puntland.
 
Wasiiru dowlahan cusub ayaa horey u soo noqday Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Deegaanka, Duurjoogta & Dalxiiska ee Xukuumadii Madaxweynihii hore ee maamulka puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole, isagoo ka mid ahaa xubnihii guddiga Doorashooyinka Dad-ban ee dowladda Faderaala Soomaaliya.
 
Sidoo kale Wareegtada Magacaabida Wasiiru dowlaha ayaa la aaminsan in ay qeyb ka tahay magacaabida xubno cusub oo ka mid noqonaya golaha Xukuumada Maamulka Puntland, laguna dhawaaqi doono Maalmaha soo socda.
 
Puntland State Maarso 28, 2017 War qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa facebook ayuu ku shaaciyey Agaasimihii waaxda dastuurka ee wasaaradda dastuurka iyo arrimaha dimuquraadiyeynta Puntland Liibaan Cabdullaahi Ducaale inuu xilkii isaga casiley.
 
Agaasimaha ayaa iscasilaadiisa u sababeeyay cadaadis iyo hagardamo uga timid wasiiradda wasaaradda oo kala ah wasiirka Cali Ciise Oog iyo wasiir Ku xigeenka Cabdiraxmaan Filibiin oo isku raacay in cadaadis iyo hagardaamo joogto ah la saaro.
 
Sidoo Liibaan Agaasimihii waaxda dastuurka ee wasaaradda dastuurka iyo arrimaha dimuquraadiyeynta Puntland ayaa uga mahadceliyey dhammaan dhinac
 
Muqdisho Maarso 28, 2017 Mid kamid ah macalimiintii wax soo bartay madaxweynaha DF Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in beeshiisa ay dhibane unoqoto wiilkii uu isaga wax soo baray.
 
Muxyadiin Xasan Darbo oo soo noqday Guddoomiyihii hore ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa sheegay in beeshiisa Galmaax Yoonis aysan xataa hal wasiir ku yeelan xukumada Soomaaliya taasna ay tahay mid uu aad uga careysan yahay.
 
Waxaa uu sheegay inuu la yaaban yahay in madaxweyne Farmaajo uusan xataa macalinkiisii ku qancin beeshiisa iney xil ka hesho dowladiisa, maadaama Cali Maxamed Geedi uu macalinkisii Saalim Caliyoow Ibroow ka dhigay wasiir si uu uga duceysto.
 
“Ma taqaanaan Sababta uu Cali maxamed Geedi u noqday Ra’isulwasaarihii ugu waqtiga dheeraa? Wuxuu ku noqday macalinkiisa Saalim Caliyow Ibroow ayuu ka duceystay, isagoo ka dhigtay wasiirka Maaliyadda, aniga maanta Farmaajo wasiir iga dhig ma dhihine, balse haddii uu beesheeda wax ka dhigi waayo, xukunkiisa meel ma tagayo”ayuu yiri Muxyadiin
 
“ Xukunkiisa meel ma tagayo, sababtoo ah macalinkaaga aan ahay wax yar maahan, beeshaan xoogga badan waa inuu wax ka dhigaa, weli waxaa nagu jiro dowladda Jaceyl, balse haddii dowlad jaceylka saan kusii socoto la islama daganaan doono, waxaana u digayaa baarlamaanka Soomaaliya” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.
 
Dhanka kale Darba weyne ayaa isagoo la hadlayay boqolaal beeshiisa ah sheegay ineysan ka beel ahaan bixin doonin wax canshuuraad ah ayna diyaar uyihiin iney dagaalamaan hadii xaqooda la siin waayo
 
“waxaan dagnaa 17 degmo, hadii dagaal loo baahdana waxaa nahay kuwa ugu geesisan, waana dagaalameynaa”ayuu yiri macalinkii Farmaajo.
 
Beeshan iyo beelo kale ayaa ka cabanaya saami qeybsiga dowlada Soomaaliya iiyagoo sheegaya ineysan helin xaquuqihii ay ubaahnaayeen.
 
http://www.radiowidhwidh.com/42070-2/

WARARKA MAANTA Maarso 26 2017

Su’aalaha Maanta: Maxuu Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre ugu xad-gudbay nidaamka awood qeysiga qabaa’ilaadka Soomaaliyeed? Maxuuse ugu soo daray golihiisa wasiiradda dadka horay laba mar ku fashilmay joggooyin wasiirnimo taasoo musuqmaasuq hareeyey xiligii ay wasiiradda ka ahaayeen wasaaraddaha ay ku soo fashilmeen? Waa xaqiiqo inay 147 xildhibaan ay didan yihiin habka uu Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre ku jabiyey nidaamkii lagu soo dhisay Dowladdan Wada Dadban balse waxaa hubaal ah inay labada gole aysan ansixin doonin xaq-darada iyo wasiiraddii horay u soo galay musuqmaasuqa kuwaasoo ay xitaa hay’addaha caalamiga ku soo qoreen warbixino xaasaasi ah oo la xiriirta sida ay u galeen musuqmaasuqa burbiyey dowladdihii ay ka soo qabteen jagooyinka wasiiradda!

Nairobi Maarso 26, 2016 Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre u qoray warqad uu uga codsanayo in uu dib ugu laabto Golaha Wasiirada.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, ayaa Talaadadii magacaabay 26 Wasiir, 26 Ku Xigeeno, 15 Wasiiru Dowlayaal iyo 1 Ra’iisal Wasaare Kuxigeen, isagoona magacaabistooda ku sababeeyay mid ku timid wada-tashi.

Xildhibaano saluugsan wadada loo maray magacaabista Golaha Wasiirada, ayaa Magaalada Muqdisho ka bilaabay olole ay uga soo horjeedan.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa warqadda uu u qoray Ra’iisal Wasaaraha waxay ka dambeysay markii 105 ay soo jeediyeen in dib loogu noqdo Wasiirada, ka hor inta aan la horkeenin Xildhibaanada.

Aqriso warqadda Jawaari:-

Nairobi Maarso 26, 2016 Madaxweynaha dowladda Faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in gabi ahaanba Hay’addaha caalamiga ah ee kusugan banaanka Soomaaliya, isla markaasna ka shaqeeya arrimaha Soomaaliya ay waajib tahay in ay u guuraan gudaha dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka sheegay hadalkan Shirkii Urur gobaleedka IGAD ay uga hadlayeen arrimaha Abaaraha iyo Qaxootiga Soomaaliya, isagoo sheegay in Hay’aduhu ay ka shaqey karaan gudaha Soomaaliya oo kaliya.

“Waxaan ugu baaqayaa hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya samafalka & horumarinta in ay u guuraan gudaha Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u mahad celiyey wadamada IGAD iyo dowladda Yemen oo uu sheegay in ay gacanta ku hayeen mudo dheer Hal Malyn oo Qaxooti Soomaali ah, kuwaas oo u baahan-naa gacan qabashada walaalahooda Soomaaliyeed. https://www.youtube.com/watch?v=AX9W1NSHuWI

Somaliland Maarso 26, 2016 Ninkii labaxay magaca Axmed maxamed siilaanyo oo ay ciidamadu xabsiga dhigeen markii lasiidaayayna madaxtooyada hargeisa kula kulmay madaxweyne siilaanyo ayaa ka sheekeeyay qaabkii iyo sidii loo xiray.

Axmed Silaanyo waa maamule kuxgieenka iskuulka Nuuradiine ayaa saxaafada u sheegey in taliyaha qaybta ciidamada taraafikada hargeisa uu sifoolxun ula dhaqmay xabsigana dhigay.

Macalinkan ayaa sheegay in lala xiray koox danbiilayaal ah isagoona loo diiday in lasoo booqdo ama damaanad lagu siidaayo ardaydii timi saldhigana rasaas lagu asqeeyay.

Laas Caanood Maarso 26, 2016 Waxaa caawa magaalada laascaanood caasimada dawlada  khaatumo ka dhacay dil lagu qaarajiyay mid kamid ah shacabka magaalada laascaanood.

 Dilka caawa ka dhacay magaalada laascaanood  ayaa imaanaya xili shalayna uu magaalada duhurnimadii ka dhacay dil aad u fool xun oo lagu qaarajiyay nin shacab ah.

 Xaalada laascaanood ayaa ah mid haatan ka sii daraysa waxaana soo badanaya is ugaadhsi xoog leh iyo dilal qorshaysan oo loo gaysanaayo shacabka gobolka .

 Mudo haatan ku dhow ilaa labo  todobaad ayaa magalaadu waxaa ay ka nasatay dilalka foosha xun.

Puntland State Maarso 26, 2016 Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa warbaahinta u sheegay in doorashada Madaxweynaha maamulka Puntland loo diyaarin doono in ay ku dhacdo nidaamka xisbiyadda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland ay sanadkaan ay isku diyaarinayso in degaanada ay ka dhacdo doorasho ku dhisan Xisbiyo.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in ay bilaabi doonaan sidii ay arintaasi ku dhici laheyd , islamarkaana Shacabka kunool degaanada maamulka Puntland laga doonaayo in ay ka qeyb qaataan.

Waqtigii doorashada Puntland ayaa soo dhow , waxaana lagu wadaa in Puntland qabato doorasho ka duwan midii ay horay u qaban jirtay.

Nairobi Maarso 26, 2016 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Magaalada Nairobi ee Caasimada Kenya kula kulmay dhigiisa dalka Uganda Yoweri Museveni.

Kulanka Labada Madaxweyne ayaa waxaa diirada lagu saaray xiriirka u dhaxeeya Wadamada Soomaliya iyo Uganda iyo xaaladiisa ugu dambeeyay ee qaarada afrika.

Ugu horeyntii Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa ugu hambalyeeyay dhigiisa dalka Soomaliya Farmaajo guushii uu ka gaaray doorashadii Soomaliya ka dhacday 8-dii bishii February ee sanadkaan 2017-ka oo uu ku guuleystay in uu noqdo madaxweynihii 9-aad ee Soomaliya.

“Waxaan doonayaa inaan kuugu hambalyeeyo labo dhacdo oo tan hore ay tahay guushii aad ka gaartay doorashada Soomaaliya tan labaad waxaan kaaga mahadcelinayaa dhagaysiga aad dhagaysatay xikmad ka timid nin oday ah oo ahayd inaan la curyaamin Soomaaliya.”ayuu yiri Madaxweynaha dalka Uganda Musaveni.”

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi maxamed (Farmaajo) iyo dhigiisa dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa isku soo hadal qaaday arrimaha amaanka dalka Soomaliya iyo sidii loo qalabeyn lahaa Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa kulankaas ka cadeeyay in qorshihiisa ugu weyn uu yahay sidii uu dib u habeyn ugu sameyn lahaa ciidamada dalka Soomaaliya loona qalabayn lahaa si ay awood ugu yeeshaan inay ka hortagaan Alshabaab dalkana ammaankiisa soo celiyaan.

Uganda ayaa ah Dowladd kaliy ay Ciidamo badan ay ka jooogaan Gudaha dalka Soomaliya waxayna dowladda Federaalka Soomaliya ka caawinayaan dagaalka lagula jiro Xarakada Al-shabaab.

Muqdisho Maarso 26, 2016 Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku kala aragti duwan Qoraal uu soo saaray Gudoomiyaha Baarlamaanka uu Ra’isul Wasaaraha uga dalbanayay in Golaha Wasiirada cusub lagu sameeyo dib u eegis kahor inta aan la horkeenin Baarlamaanka.

Jawaari ayaa Qoraalkiisa ku sheegay in Xildhibaano badan oo katirsan Baarlamaanka kasoo horjeedaan qaabka loo dhisay Xukuumada cusub iyo sida Wasiirada loo qeybsaday, waxa uuna ujeediyay Ra’isul Wasaaraha in uu dib ugu laabto Wasiirada uu magacabay.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya uu xaq u leeyahay magacaabista Golihiisa Wasiirada, waxa uuna tilmaamay in qaabka loo magacaabay Wasiirada ay taageersan yihiin Xildhibaano badan.

Dalxa ayaa ugu baaqay Ra’isul Wasaare Kheyre in uu iska indho tiro soo jeedinta uga timid Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya uuna horkeeno Golihiisa Wasiirada Baarlamaanka kuna nasiib sado in ay helo codka Kalsoonida iyo in kale.

Inta badan Xildhibaanada Aqalka hoose ayaa la sheegay in ay taageersan yihiin magacaabista golaha Wasiirada cusub, waxaana la sheegay in Xildhibaano aan badneyn uu horboodayo Gudoomiyaha Baarlamaanka qaab qabiil uga soo horjeedaan Xukuumada cusub.

Nairobi Maarso 26, 2016 Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa wali ku howlan wax ka badal lagu sameenayo Xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana shaqada laga diray xubno horey ula shaqeenayay Madaxweynihii hore.

Farmaajo ayaa isbadalkii ugu dambeeyay ku sameeyay taliska ilaalada xarunta Madaxtooyada Soomaaliya , Madaxweynaha ayaa xilka ka qaaday Taliyihii ciidanka Ilaalada Madaxyooyada halka taliye cusubna uu magacaabay.

Taliyihii Ilaalada Madaxtooyada Jen. Ibraahim Sheekh Muxiyadiin oo ahaa nin si weyn ugu dhawaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa xilka laga qaaday, waxaana lagu bedelay oo taliyaha ilaalada Madaxtooyada laga dhigay Col. Axmed Maxamed Afcadey.

Taliyaha cusub ee loo magacaabay ciidanka ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya Col. Axmed Maxamed Afcadey ayaa horey xilkaasi usoo qabtay xiligii uu Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweyne dalka ka ahaa.

Inta badan Agaasimayaashii Xarunta Madaxtooyada iyo xubnihii kale ee lasoo shaqeeyay Madaxweynihii hore ee ku sugnaa xarunta Madaxtooyada ayaa xil ka qaadis lagu sameeyay waxaana lagu bedelay xubno kale oo ku dhaw dhaw Madaxweynaha cusub

WARARKA MAANTA Maarso 25, 2017
Su’aalaha Maanta: Maxay tahay wax uu saxiixay Madaxweynaha Dowladda Wada Dadban Mudane Farmaajo? Maxuuse wax ugu qaban waayey hay’addaha shisheeye ee gudaha Muqdisho si sharci-darro uga dhex shaqeeya? Mise weli sheekada waa iska faan faan iyo waxay ila tahay asaga iyo Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre inay ummadda Soomaaliyeed ku soo celiyaan wasiiro horay ugu fashilmay wasaaradihii horay ay xilalka wasiirnimo uga soo qabteen? Soomaaliya waxay u baahan tahay dowladda hufan oo shaqada u qabta ummadda Soomaaliyeed gudaha dalka iyo dibaddaba taasoo sugta amniga gudaha iyo danaga guud ee ummadda Soomaaliya. Waxaa labada gole laga codsanayaa inay liiska wasiiradda ka saaraan wasiiradda horay ugu fashilmay wasaaradohoodii hore marka ummadda Soomaaliyeed uma baahna dad horay u fashilmeen!
https://www.youtube.com/watch?v=jZ0Y3N9xazs

Muqdisho Maarso 25, 2017
Qaar ka mid ah Gobolada dalka iyo Magaalada Muqdisho waxaa ka Da’ay Roobab ay ku qabowsadeen shacabka, waxaana saakay dadka ay ku soo tooseen iyada oo dhulka uu Qoyan yahay.

Dadka reer Muqidsho ayaa saakay ku soo toosay iyada oo Magaalada uu Roob ka Da’ay, inkastoo Roobka uusan aheyn mid biyo dhigay wadooyinka waa weyn.

Gobolada dalka ee qaarkood Abaaraha ay ka jiraan ayaa shalay iyo Habeen hore waxaa ka Da’ay Roob ay dadka ku nimceesteen, maadaama Abaaro xoogan ay ka jiraan dalka.

Mudooyinkii dambe Magaalooyinka Gobolada dalka iyo Magaalada Muqdisho dadka waxa ay isugu imaanayeen Salaad Roobdoon ah, oo Alle ay kaga baryayeen in uu Raxmadiisa ku qaboojiyo.

Gobolada dalka gaar ahaan Koonfurta iyo Degaanada Puntland waxaa laga soo wariyay in ay ka Da’een Roobab ay ku nimceesteen dadka iyo Duunyada.

Muqdisho Maarso 25, 2017 Shirka Madaxda Urur Goboleedka (IGAD) ayaa maanta ka furmaya Magaalada Noirobi ee Caasimadda dalka Kenya, kaasi oo horey loogu balansanaa.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo), Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Madax ka socota dalalka ku jira Urur Goboleedka (IGAD) iyo xubnaha Deeq bixiyeyaasha caalamka.

Waxaa diirada lagu saari doonaa Shirkan maanta ka furmaya Nairobi Arimaha Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Urur Goboleedka (IGAD).

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in Shirkaan si weyn looga doodo Abaaraha ka jira Soomaaliya iyo sidoo kale Xaaladda Ammaan ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku joogga dalka Kenya ayaa Madaxda kulankaasi ka qeyb gali doonta u jeedi doono Khudbad uu kaga hadlaayo xaaladda Soomaaliya.

Shirkaan ayaa la soo gabagabeyn doonaa Galabta, waxaana laga soo saari doonaa Qodobo la xiriira xaaladaha Qaxootiga iyo sidoo kale Abaaraha Soomaaliya.

Maraykanka Maarso 25, 2017 Madaxweynaha waddanka Mareykanka, Donald Trump, ayaa qeexay inuu la yaabay oo uu ka niyadjabay inuu burburay sharci la doonayay in lagu badelo adeega caafimaad ee Obamacare.

Xisbigiisa Jamhuuriga ayaa dib ula laabtay hindise sharciyeed ka hor inta uusan u codeyn Kongareeska Mareykanka, markaasi oo ay caddaatay in aanay haysan taageero ku filan oo lagu horgeeyo aqalka.

In meesha laga saaro adeegga caafimaad ee Obamacare ayaa waxa ay qeyb muhiim ah u aheyd ballanqaadyadii ololaha doorashada ee madaxweyne Trump.

Haddaba faafaahinta warkan ayaa waxaan uu Cabdifitaax Ibraahim Cagayare ka wareystay weriyaha BBCda ee waddanka Mareykanka, Maxamed Xaaji Xuseen ShiineMuqdisho Maarso 25, 2017Raiulwasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa qaabilay wafdi uu hoggaaminayo madaxa ammaanka Midowga Afrika Danjire Ndumiso Ntshinga oo booqasho ku yimid Magaaladqa Muqdisho.

Danjire Ndumiso Ntshinga oo muddo Saddex Cisho ah ku sugnaan doona Magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan.

Wafdigan ka socda midowga Afrika iyo masuuliyiinta ugu sarreeysa Dalkeenna ayaa ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa howlaha ay Ciidamada Amisom ka hayaan Soomaaliya.

Danjire Ndumiso iyo wafdigiisa ayaa waxay kormeer ku tageen xeryaha Ciidanka midowga Afrika, iyagoo aad ugu kuur galay heerka uu gaarsiisan yahay wada shaqaynta ka dhaxaysa iyaga iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo dagaal wada jira kula kira Al-Shabaab.

Maraykanka Maarso 25, 2017Taliyaha Taliska Maraykanka Africa ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa in la siiyo awood dheeraad ah si ay dagaal toos ah ugu qaadaan dagaalyahanada Al-Shabaab ee dagaalama Soomaaliya.

Thomas Waldhauser ayaa ugu sheegay suxufiyiinta Pentagon in ay qaadi dooni doonaan howlgal ay si gaar ah u fuliyaan iyo sidoo kale kuwo ay kala kaashadaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM.

“Waxaan u baahan nahay awood badan si aan u wiiqno Awooda Al-qaacidada Soomaaliya sidaas darteed waxaa laga maarmaan ah in aan helno awood badan oo aan ku qaadi karno Weeraro noo gaar ah iyo sidoo kale mid aan kala shaqeyn doono ciidanka xoogga Soomaaliya”. Ayuu yiri Thomas Waldhauser .

Sidoo kale waxaa uu sheegay in howlgalka la dagaalanka Al-Shabaab ee Dowladda Mareykanka laga dareemaayo Habacsanaan badan.

Bilo ka hor ayaa Aqalka Cad ee dalka Mareykanka loo gudbiyay codsi ka yimid howlgalka Mareykanka ee Qaarada Afrika kaas oo ahaa kordhinta awoodda iyo sidoo kale howlgallada ay ka fulinayaan Soomaaliya.

Ciidanka Dowladda Mareykanka ayaa inta badan Duqeymo waxa ay la beegsadaan saldhigyada ay Gobolada dalka ku leeyihiin Al-ShabaabJubbaland State Maarso 25, 2017 Madaxwenaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe ) ayaa soo dhaweeyay golaha Wasiirada cusub uu dhawaan soo magacaabay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu taageersan yahay golaha Wasiirada cusub , waxa uuna ugu baaqay Xildhibaanada iyo dad kale ee kasoo horjeeda Xukuumada cusub in ay dib ula laabtaan mucaaradnamada ayna eegaan danta umada Soomaaliyeed iyo xaalada adag ee lagu jiro.

Waxa uu ugu baaqay Sheekh Axmed Madoobe Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya in aysan ku degg degin mucaaradnimo iyo wax dumin, waxa uuna ka codsaday in ay taagerraan Xukuumada cusub ayna siiyaan codka kalsoonida.

Madaxweynaha Juballand ayaa sheegay in ay jiri karaan in ay wax qaldameen balse muhiim tahay in la saxo inta aan loo ordin mucaaradnimo iyo wax bur burin, waxa uuna mar kale ku baaqay in laga warsugo waxqabadka xukuumada cusub oon laga hordhicin.

”Waxaan cadeenayaa in aan taageersanahay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Xukuumada uu soo dhisay, mar hadii aan wilaayada u dhiibanay Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha waa in aan taageernaa waxii ay soo dhiseen, waxii sixitaan u baahan iyada oon la buuqin ayaa la sixi karaa, waxaan ka codsanaynaa Xildhibaanada in codka kalsoonida siiyaan Xukuumada cusub, shacabkana waxaan ugu baaqayaa in ay la shaqeeyaan dowlada cusub” Ayuu yiri Axmed Madoobe.

Hadalka Madaxweynaha Jubbaland ayaa kusoo aadaya xili Xildhibaano tiro yar oo katirsan Baaelamaanka iskana waayay liiska golaha Wasiirada Xukuumada cusub ay sheegeen in ay kasoo horjeedaan Golaha Wsaiirada una diidayaan codka kalsoonida

Masar Maarso 25, 2017Madaxweynihii hore ee waddanka Masar, Maxamed Xusni Mubaarak ayaa maanta xabsiga laga sii daayay.

Waxaa xabsigaasi la geliyay 2011 markii xukunka laga tuuray.

Waxaa lagu hayay cisbitaal milateri oo ku yaalla caasimadda Qaahira.

Go’aankan ayaa daba socda xukun ay horraantii bishan riday maxkamad, taasoo ku weyday dacwado la xiriirinayo dilka tobanaan dibed baxayaal ah oo ka qeyb qaadanayay mudahaaradyadii xukunka looga tuuray sanadkii 2011.

Mudadii la hayay, ayaa Mr Mubaarak waxa uu qaatay xabsi saddex sano ah, kaasoo uu ku mutaystay wax isdaba marin.

Qareenkiisa ayaa sheegay in aan loo oggolaanin wali inuu gurigiisa ku laabto.

Muqdisho Maarso 25, 2017 Dowladda Mareykanka ayaa maanta Taliska Midowga Afrika AMISOM ee Soomaliya ku wareejisay Gaadiid kuwa dagaalka ah oo loogu Talagalay in ay adeegsaan Ciidamada AMISOM.

Gaadiidkaan lagu wareejiyay taliska AMISOM ee Soomaliya ayaa tiro ahaan lagu sheegay 16-gaari waxaa la tilmaamay in ay yihiin Gawaaridaan kuwa Fashilaya qaraxyadda islamarkaana aan saameyn ku yeelan doonin Gawaarida.

Gaadiidka waxaa Taliska AMISOM ee Soomaliiya ku wareejiyay Saraakiil ay wasaaradda Gaashaandhiga Dowladda Mareykanka Soomaliya usoo dirtay.

Qalabka ku xiran Gawaaridaan ayaa la sheegay in uu fashilinayo qaraxyadda kuwa la aaso, kuwa laga hago Ramuud Kontoroolka, kuwa lagu soo xiro Gawaarida oo Al-shabaab ay adeegsadaan Mudooyinkii dambe.

Dowladda Mareykanka ayaa Soomaliya ka Taageeraysa dhinacyadda amniga iyo Hormarka.

Maamulka Koonfur Galbeed Maarso 25, 2017Taliska Booliska Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa amaro ku soo rogay Ganacsatada ku nool Magaaladaasi.

Taliyaha Ciidanka Booliska Magaalada Baydhabo Korneel Mahad C/raxmaan Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay Booliska in uu yahay Canshuur ilaaliye, sharci ilaaliye iyo Dhibaato ilaaiye loona baahan yahay in lala shaqeeyo.

Waxa uu sheegay cid kasta oo Baydhabo Ganacsi ku leh, in looga baahan yahay warqadda Canshuur qaadista, cidii aan warqadaas heysana in aysan ku ganacsaneyn Magaalada Baydhabo.

Sidoo kale Korneel Mahad C/raxmaan Aadan Taliyaha Ciidanka Booliska Magaalada Baydhabo ayaa sheegay canshuurta in ay anfaceyso Qof walba iyo caruurta uu dhalay.

Waxa uu ugu baaqay Ganacsatada Baydhabo inta aan loo imaan in ay soo jartaan warqadda canshuur qaadista, cidii aan sidaas sameyna talaabo adag laga qaadi doono.

WARARKA MAANTA Maarso 25, 2017
Su’aalaha Maanta: Maxay tahay wax uu saxiixay Madaxweynaha Dowladda Wada Dadban Mudane Farmaajo? Maxuuse wax ugu qaban waayey hay’addaha shisheeye ee gudaha Muqdisho si sharci-darro uga dhex shaqeeya? Mise weli sheekada waa iska faan faan iyo waxay ila tahay asaga iyo Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre inay ummadda Soomaaliyeed ku soo celiyaan wasiiro horay ugu fashilmay wasaaradihii horay ay xilalka wasiirnimo uga soo qabteen? Soomaaliya waxay u baahan tahay dowladda hufan oo shaqada u qabta ummadda Soomaaliyeed gudaha dalka iyo dibaddaba taasoo sugta amniga gudaha iyo danaga guud ee ummadda Soomaaliya. Waxaa labada gole laga codsanayaa inay liiska wasiiradda ka saaraan wasiiradda horay ugu fashilmay wasaaradohoodii hore marka ummadda Soomaaliyeed uma baahna dad horay u fashilmeen!

Muqdisho Maarso 25, 2017 Qaar ka mid ah Gobolada dalka iyo Magaalada Muqdisho waxaa ka Da’ay Roobab ay ku qabowsadeen shacabka, waxaana saakay dadka ay ku soo tooseen iyada oo dhulka uu Qoyan yahay.

Dadka reer Muqidsho ayaa saakay ku soo toosay iyada oo Magaalada uu Roob ka Da’ay, inkastoo Roobka uusan aheyn mid biyo dhigay wadooyinka waa weyn.

Gobolada dalka ee qaarkood Abaaraha ay ka jiraan ayaa shalay iyo Habeen hore waxaa ka Da’ay Roob ay dadka ku nimceesteen, maadaama Abaaro xoogan ay ka jiraan dalka.

Mudooyinkii dambe Magaalooyinka Gobolada dalka iyo Magaalada Muqdisho dadka waxa ay isugu imaanayeen Salaad Roobdoon ah, oo Alle ay kaga baryayeen in uu Raxmadiisa ku qaboojiyo.

Gobolada dalka gaar ahaan Koonfurta iyo Degaanada Puntland waxaa laga soo wariyay in ay ka Da’een Roobab ay ku nimceesteen dadka iyo Duunyada.

Muqdisho Maarso 25, 2017 Shirka Madaxda Urur Goboleedka (IGAD) ayaa maanta ka furmaya Magaalada Noirobi ee Caasimadda dalka Kenya, kaasi oo horey loogu balansanaa.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo), Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Madax ka socota dalalka ku jira Urur Goboleedka (IGAD) iyo xubnaha Deeq bixiyeyaasha caalamka.

Waxaa diirada lagu saari doonaa Shirkan maanta ka furmaya Nairobi Arimaha Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Urur Goboleedka (IGAD).

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in Shirkaan si weyn looga doodo Abaaraha ka jira Soomaaliya iyo sidoo kale Xaaladda Ammaan ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku joogga dalka Kenya ayaa Madaxda kulankaasi ka qeyb gali doonta u jeedi doono Khudbad uu kaga hadlaayo xaaladda Soomaaliya.

Shirkaan ayaa la soo gabagabeyn doonaa Galabta, waxaana laga soo saari doonaa Qodobo la xiriira xaaladaha Qaxootiga iyo sidoo kale Abaaraha Soomaaliya.

Maraykanka Maarso 25, 2017 Madaxweynaha waddanka Mareykanka, Donald Trump, ayaa qeexay inuu la yaabay oo uu ka niyadjabay inuu burburay sharci la doonayay in lagu badelo adeega caafimaad ee Obamacare.

Xisbigiisa Jamhuuriga ayaa dib ula laabtay hindise sharciyeed ka hor inta uusan u codeyn Kongareeska Mareykanka, markaasi oo ay caddaatay in aanay haysan taageero ku filan oo lagu horgeeyo aqalka.

In meesha laga saaro adeegga caafimaad ee Obamacare ayaa waxa ay qeyb muhiim ah u aheyd ballanqaadyadii ololaha doorashada ee madaxweyne Trump.
Haddaba faafaahinta warkan ayaa waxaan uu Cabdifitaax Ibraahim Cagayare ka wareystay weriyaha BBCda ee waddanka Mareykanka, Maxamed Xaaji Xuseen ShiineMuqdisho Maarso 25, 2017Raiulwasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa qaabilay wafdi uu hoggaaminayo madaxa ammaanka Midowga Afrika Danjire Ndumiso Ntshinga oo booqasho ku yimid Magaaladqa Muqdisho.

Danjire Ndumiso Ntshinga oo muddo Saddex Cisho ah ku sugnaan doona Magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan.

Wafdigan ka socda midowga Afrika iyo masuuliyiinta ugu sarreeysa Dalkeenna ayaa ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa howlaha ay Ciidamada Amisom ka hayaan Soomaaliya.

Danjire Ndumiso iyo wafdigiisa ayaa waxay kormeer ku tageen xeryaha Ciidanka midowga Afrika, iyagoo aad ugu kuur galay heerka uu gaarsiisan yahay wada shaqaynta ka dhaxaysa iyaga iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo dagaal wada jira kula kira Al-Shabaab.

Maraykanka Maarso 25, 2017Taliyaha Taliska Maraykanka Africa ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa in la siiyo awood dheeraad ah si ay dagaal toos ah ugu qaadaan dagaalyahanada Al-Shabaab ee dagaalama Soomaaliya.

Thomas Waldhauser ayaa ugu sheegay suxufiyiinta Pentagon in ay qaadi dooni doonaan howlgal ay si gaar ah u fuliyaan iyo sidoo kale kuwo ay kala kaashadaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM.

“Waxaan u baahan nahay awood badan si aan u wiiqno Awooda Al-qaacidada Soomaaliya sidaas darteed waxaa laga maarmaan ah in aan helno awood badan oo aan ku qaadi karno Weeraro noo gaar ah iyo sidoo kale mid aan kala shaqeyn doono ciidanka xoogga Soomaaliya”. Ayuu yiri Thomas Waldhauser .

Sidoo kale waxaa uu sheegay in howlgalka la dagaalanka Al-Shabaab ee Dowladda Mareykanka laga dareemaayo Habacsanaan badan.

Bilo ka hor ayaa Aqalka Cad ee dalka Mareykanka loo gudbiyay codsi ka yimid howlgalka Mareykanka ee Qaarada Afrika kaas oo ahaa kordhinta awoodda iyo sidoo kale howlgallada ay ka fulinayaan Soomaaliya.
Ciidanka Dowladda Mareykanka ayaa inta badan Duqeymo waxa ay la beegsadaan saldhigyada ay Gobolada dalka ku leeyihiin Al-ShabaabJubbaland State Maarso 25, 2017 Madaxwenaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe ) ayaa soo dhaweeyay golaha Wasiirada cusub uu dhawaan soo magacaabay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu taageersan yahay golaha Wasiirada cusub , waxa uuna ugu baaqay Xildhibaanada iyo dad kale ee kasoo horjeeda Xukuumada cusub in ay dib ula laabtaan mucaaradnamada ayna eegaan danta umada Soomaaliyeed iyo xaalada adag ee lagu jiro.

Waxa uu ugu baaqay Sheekh Axmed Madoobe Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya in aysan ku degg degin mucaaradnimo iyo wax dumin, waxa uuna ka codsaday in ay taagerraan Xukuumada cusub ayna siiyaan codka kalsoonida.

Madaxweynaha Juballand ayaa sheegay in ay jiri karaan in ay wax qaldameen balse muhiim tahay in la saxo inta aan loo ordin mucaaradnimo iyo wax bur burin, waxa uuna mar kale ku baaqay in laga warsugo waxqabadka xukuumada cusub oon laga hordhicin.

”Waxaan cadeenayaa in aan taageersanahay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Xukuumada uu soo dhisay, mar hadii aan wilaayada u dhiibanay Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha waa in aan taageernaa waxii ay soo dhiseen, waxii sixitaan u baahan iyada oon la buuqin ayaa la sixi karaa, waxaan ka codsanaynaa Xildhibaanada in codka kalsoonida siiyaan Xukuumada cusub, shacabkana waxaan ugu baaqayaa in ay la shaqeeyaan dowlada cusub” Ayuu yiri Axmed Madoobe.
Hadalka Madaxweynaha Jubbaland ayaa kusoo aadaya xili Xildhibaano tiro yar oo katirsan Baaelamaanka iskana waayay liiska golaha Wasiirada Xukuumada cusub ay sheegeen in ay kasoo horjeedaan Golaha Wsaiirada una diidayaan codka kalsoonida

Masar Maarso 25, 2017Madaxweynihii hore ee waddanka Masar, Maxamed Xusni Mubaarak ayaa maanta xabsiga laga sii daayay.

Waxaa xabsigaasi la geliyay 2011 markii xukunka laga tuuray.

Waxaa lagu hayay cisbitaal milateri oo ku yaalla caasimadda Qaahira.

Go’aankan ayaa daba socda xukun ay horraantii bishan riday maxkamad, taasoo ku weyday dacwado la xiriirinayo dilka tobanaan dibed baxayaal ah oo ka qeyb qaadanayay mudahaaradyadii xukunka looga tuuray sanadkii 2011.

Mudadii la hayay, ayaa Mr Mubaarak waxa uu qaatay xabsi saddex sano ah, kaasoo uu ku mutaystay wax isdaba marin.

Qareenkiisa ayaa sheegay in aan loo oggolaanin wali inuu gurigiisa ku laabto.
Muqdisho Maarso 25, 2017 Dowladda Mareykanka ayaa maanta Taliska Midowga Afrika AMISOM ee Soomaliya ku wareejisay Gaadiid kuwa dagaalka ah oo loogu Talagalay in ay adeegsaan Ciidamada AMISOM.

Gaadiidkaan lagu wareejiyay taliska AMISOM ee Soomaliya ayaa tiro ahaan lagu sheegay 16-gaari waxaa la tilmaamay in ay yihiin Gawaaridaan kuwa Fashilaya qaraxyadda islamarkaana aan saameyn ku yeelan doonin Gawaarida.

Gaadiidka waxaa Taliska AMISOM ee Soomaliiya ku wareejiyay Saraakiil ay wasaaradda Gaashaandhiga Dowladda Mareykanka Soomaliya usoo dirtay.

Qalabka ku xiran Gawaaridaan ayaa la sheegay in uu fashilinayo qaraxyadda kuwa la aaso, kuwa laga hago Ramuud Kontoroolka, kuwa lagu soo xiro Gawaarida oo Al-shabaab ay adeegsadaan Mudooyinkii dambe.

Dowladda Mareykanka ayaa Soomaliya ka Taageeraysa dhinacyadda amniga iyo Hormarka.
Maamulka Koonfur Galbeed Maarso 25, 2017Taliska Booliska Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa amaro ku soo rogay Ganacsatada ku nool Magaaladaasi.

Taliyaha Ciidanka Booliska Magaalada Baydhabo Korneel Mahad C/raxmaan Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay Booliska in uu yahay Canshuur ilaaliye, sharci ilaaliye iyo Dhibaato ilaaiye loona baahan yahay in lala shaqeeyo.

Waxa uu sheegay cid kasta oo Baydhabo Ganacsi ku leh, in looga baahan yahay warqadda Canshuur qaadista, cidii aan warqadaas heysana in aysan ku ganacsaneyn Magaalada Baydhabo.

Sidoo kale Korneel Mahad C/raxmaan Aadan Taliyaha Ciidanka Booliska Magaalada Baydhabo ayaa sheegay canshuurta in ay anfaceyso Qof walba iyo caruurta uu dhalay.

Waxa uu ugu baaqay Ganacsatada Baydhabo inta aan loo imaan in ay soo jartaan warqadda canshuur qaadista, cidii aan sidaas sameyna talaabo adag laga qaadi doono.
Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku yaalla shirkado waa weyn oo ka shaqeeya qeybaha kala duwan ee Ganacsiga, waxaana arintan hada Booliska ka soo yeertay ay noqoneysaa mid dhaxalgal u ah Ganacsatada, maadaama hadii Canshuurtii la bixiyo wadadii saxda aheyd loo isticmaalo ay ka qeyb qaadaneyso dib u dhiska dalka.

WARARKA MAANTA Maarso 25, 2017
Su’aalaha Maanta: Maxay tahay wax uu saxiixay Madaxweynaha Dowladda Wada Dadban Mudane Farmaajo? Maxuuse wax ugu qaban waayey hay’addaha shisheeye ee gudaha Muqdisho si sharci-darro uga dhex shaqeeya? Mise weli sheekada waa iska faan faan iyo waxay ila tahay asaga iyo Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre inay ummadda Soomaaliyeed ku soo celiyaan wasiiro horay ugu fashilmay wasaaradihii horay ay xilalka wasiirnimo uga soo qabteen? Soomaaliya waxay u baahan tahay dowladda hufan oo shaqada u qabta ummadda Soomaaliyeed gudaha dalka iyo dibaddaba taasoo sugta amniga gudaha iyo danaga guud ee ummadda Soomaaliya. Waxaa labada gole laga codsanayaa inay liiska wasiiradda ka saaraan wasiiradda horay ugu fashilmay wasaaradohoodii hore marka ummadda Soomaaliyeed uma baahna dad horay u fashilmeen!

Muqdisho Maarso 25, 2017 Qaar ka mid ah Gobolada dalka iyo Magaalada Muqdisho waxaa ka Da’ay Roobab ay ku qabowsadeen shacabka, waxaana saakay dadka ay ku soo tooseen iyada oo dhulka uu Qoyan yahay.

Dadka reer Muqidsho ayaa saakay ku soo toosay iyada oo Magaalada uu Roob ka Da’ay, inkastoo Roobka uusan aheyn mid biyo dhigay wadooyinka waa weyn.

Gobolada dalka ee qaarkood Abaaraha ay ka jiraan ayaa shalay iyo Habeen hore waxaa ka Da’ay Roob ay dadka ku nimceesteen, maadaama Abaaro xoogan ay ka jiraan dalka.

Mudooyinkii dambe Magaalooyinka Gobolada dalka iyo Magaalada Muqdisho dadka waxa ay isugu imaanayeen Salaad Roobdoon ah, oo Alle ay kaga baryayeen in uu Raxmadiisa ku qaboojiyo.

Gobolada dalka gaar ahaan Koonfurta iyo Degaanada Puntland waxaa laga soo wariyay in ay ka Da’een Roobab ay ku nimceesteen dadka iyo Duunyada.

Muqdisho Maarso 25, 2017 Shirka Madaxda Urur Goboleedka (IGAD) ayaa maanta ka furmaya Magaalada Noirobi ee Caasimadda dalka Kenya, kaasi oo horey loogu balansanaa.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo), Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Madax ka socota dalalka ku jira Urur Goboleedka (IGAD) iyo xubnaha Deeq bixiyeyaasha caalamka.

Waxaa diirada lagu saari doonaa Shirkan maanta ka furmaya Nairobi Arimaha Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Urur Goboleedka (IGAD).

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in Shirkaan si weyn looga doodo Abaaraha ka jira Soomaaliya iyo sidoo kale Xaaladda Ammaan ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku joogga dalka Kenya ayaa Madaxda kulankaasi ka qeyb gali doonta u jeedi doono Khudbad uu kaga hadlaayo xaaladda Soomaaliya.

Shirkaan ayaa la soo gabagabeyn doonaa Galabta, waxaana laga soo saari doonaa Qodobo la xiriira xaaladaha Qaxootiga iyo sidoo kale Abaaraha Soomaaliya.

Maraykanka Maarso 25, 2017 Madaxweynaha waddanka Mareykanka, Donald Trump, ayaa qeexay inuu la yaabay oo uu ka niyadjabay inuu burburay sharci la doonayay in lagu badelo adeega caafimaad ee Obamacare.

Xisbigiisa Jamhuuriga ayaa dib ula laabtay hindise sharciyeed ka hor inta uusan u codeyn Kongareeska Mareykanka, markaasi oo ay caddaatay in aanay haysan taageero ku filan oo lagu horgeeyo aqalka.

In meesha laga saaro adeegga caafimaad ee Obamacare ayaa waxa ay qeyb muhiim ah u aheyd ballanqaadyadii ololaha doorashada ee madaxweyne Trump.
Haddaba faafaahinta warkan ayaa waxaan uu Cabdifitaax Ibraahim Cagayare ka wareystay weriyaha BBCda ee waddanka Mareykanka, Maxamed Xaaji Xuseen ShiineMuqdisho Maarso 25, 2017Raiulwasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa qaabilay wafdi uu hoggaaminayo madaxa ammaanka Midowga Afrika Danjire Ndumiso Ntshinga oo booqasho ku yimid Magaaladqa Muqdisho.

Danjire Ndumiso Ntshinga oo muddo Saddex Cisho ah ku sugnaan doona Magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan.

Wafdigan ka socda midowga Afrika iyo masuuliyiinta ugu sarreeysa Dalkeenna ayaa ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa howlaha ay Ciidamada Amisom ka hayaan Soomaaliya.

Danjire Ndumiso iyo wafdigiisa ayaa waxay kormeer ku tageen xeryaha Ciidanka midowga Afrika, iyagoo aad ugu kuur galay heerka uu gaarsiisan yahay wada shaqaynta ka dhaxaysa iyaga iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo dagaal wada jira kula kira Al-Shabaab.

Maraykanka Maarso 25, 2017Taliyaha Taliska Maraykanka Africa ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa in la siiyo awood dheeraad ah si ay dagaal toos ah ugu qaadaan dagaalyahanada Al-Shabaab ee dagaalama Soomaaliya.

Thomas Waldhauser ayaa ugu sheegay suxufiyiinta Pentagon in ay qaadi dooni doonaan howlgal ay si gaar ah u fuliyaan iyo sidoo kale kuwo ay kala kaashadaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM.

“Waxaan u baahan nahay awood badan si aan u wiiqno Awooda Al-qaacidada Soomaaliya sidaas darteed waxaa laga maarmaan ah in aan helno awood badan oo aan ku qaadi karno Weeraro noo gaar ah iyo sidoo kale mid aan kala shaqeyn doono ciidanka xoogga Soomaaliya”. Ayuu yiri Thomas Waldhauser .

Sidoo kale waxaa uu sheegay in howlgalka la dagaalanka Al-Shabaab ee Dowladda Mareykanka laga dareemaayo Habacsanaan badan.

Bilo ka hor ayaa Aqalka Cad ee dalka Mareykanka loo gudbiyay codsi ka yimid howlgalka Mareykanka ee Qaarada Afrika kaas oo ahaa kordhinta awoodda iyo sidoo kale howlgallada ay ka fulinayaan Soomaaliya.
Ciidanka Dowladda Mareykanka ayaa inta badan Duqeymo waxa ay la beegsadaan saldhigyada ay Gobolada dalka ku leeyihiin Al-ShabaabJubbaland State Maarso 25, 2017 Madaxwenaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe ) ayaa soo dhaweeyay golaha Wasiirada cusub uu dhawaan soo magacaabay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu taageersan yahay golaha Wasiirada cusub , waxa uuna ugu baaqay Xildhibaanada iyo dad kale ee kasoo horjeeda Xukuumada cusub in ay dib ula laabtaan mucaaradnamada ayna eegaan danta umada Soomaaliyeed iyo xaalada adag ee lagu jiro.

Waxa uu ugu baaqay Sheekh Axmed Madoobe Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya in aysan ku degg degin mucaaradnimo iyo wax dumin, waxa uuna ka codsaday in ay taagerraan Xukuumada cusub ayna siiyaan codka kalsoonida.

Madaxweynaha Juballand ayaa sheegay in ay jiri karaan in ay wax qaldameen balse muhiim tahay in la saxo inta aan loo ordin mucaaradnimo iyo wax bur burin, waxa uuna mar kale ku baaqay in laga warsugo waxqabadka xukuumada cusub oon laga hordhicin.

”Waxaan cadeenayaa in aan taageersanahay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Xukuumada uu soo dhisay, mar hadii aan wilaayada u dhiibanay Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha waa in aan taageernaa waxii ay soo dhiseen, waxii sixitaan u baahan iyada oon la buuqin ayaa la sixi karaa, waxaan ka codsanaynaa Xildhibaanada in codka kalsoonida siiyaan Xukuumada cusub, shacabkana waxaan ugu baaqayaa in ay la shaqeeyaan dowlada cusub” Ayuu yiri Axmed Madoobe.
Hadalka Madaxweynaha Jubbaland ayaa kusoo aadaya xili Xildhibaano tiro yar oo katirsan Baaelamaanka iskana waayay liiska golaha Wasiirada Xukuumada cusub ay sheegeen in ay kasoo horjeedaan Golaha Wsaiirada una diidayaan codka kalsoonida

Masar Maarso 25, 2017Madaxweynihii hore ee waddanka Masar, Maxamed Xusni Mubaarak ayaa maanta xabsiga laga sii daayay.

Waxaa xabsigaasi la geliyay 2011 markii xukunka laga tuuray.

Waxaa lagu hayay cisbitaal milateri oo ku yaalla caasimadda Qaahira.

Go’aankan ayaa daba socda xukun ay horraantii bishan riday maxkamad, taasoo ku weyday dacwado la xiriirinayo dilka tobanaan dibed baxayaal ah oo ka qeyb qaadanayay mudahaaradyadii xukunka looga tuuray sanadkii 2011.

Mudadii la hayay, ayaa Mr Mubaarak waxa uu qaatay xabsi saddex sano ah, kaasoo uu ku mutaystay wax isdaba marin.

Qareenkiisa ayaa sheegay in aan loo oggolaanin wali inuu gurigiisa ku laabto.
Muqdisho Maarso 25, 2017 Dowladda Mareykanka ayaa maanta Taliska Midowga Afrika AMISOM ee Soomaliya ku wareejisay Gaadiid kuwa dagaalka ah oo loogu Talagalay in ay adeegsaan Ciidamada AMISOM.

Gaadiidkaan lagu wareejiyay taliska AMISOM ee Soomaliya ayaa tiro ahaan lagu sheegay 16-gaari waxaa la tilmaamay in ay yihiin Gawaaridaan kuwa Fashilaya qaraxyadda islamarkaana aan saameyn ku yeelan doonin Gawaarida.

Gaadiidka waxaa Taliska AMISOM ee Soomaliiya ku wareejiyay Saraakiil ay wasaaradda Gaashaandhiga Dowladda Mareykanka Soomaliya usoo dirtay.

Qalabka ku xiran Gawaaridaan ayaa la sheegay in uu fashilinayo qaraxyadda kuwa la aaso, kuwa laga hago Ramuud Kontoroolka, kuwa lagu soo xiro Gawaarida oo Al-shabaab ay adeegsadaan Mudooyinkii dambe.

Dowladda Mareykanka ayaa Soomaliya ka Taageeraysa dhinacyadda amniga iyo Hormarka.
Maamulka Koonfur Galbeed Maarso 25, 2017Taliska Booliska Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa amaro ku soo rogay Ganacsatada ku nool Magaaladaasi.

Taliyaha Ciidanka Booliska Magaalada Baydhabo Korneel Mahad C/raxmaan Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay Booliska in uu yahay Canshuur ilaaliye, sharci ilaaliye iyo Dhibaato ilaaiye loona baahan yahay in lala shaqeeyo.

Waxa uu sheegay cid kasta oo Baydhabo Ganacsi ku leh, in looga baahan yahay warqadda Canshuur qaadista, cidii aan warqadaas heysana in aysan ku ganacsaneyn Magaalada Baydhabo.

Sidoo kale Korneel Mahad C/raxmaan Aadan Taliyaha Ciidanka Booliska Magaalada Baydhabo ayaa sheegay canshuurta in ay anfaceyso Qof walba iyo caruurta uu dhalay.

Waxa uu ugu baaqay Ganacsatada Baydhabo inta aan loo imaan in ay soo jartaan warqadda canshuur qaadista, cidii aan sidaas sameyna talaabo adag laga qaadi doono.
Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku yaalla shirkado waa weyn oo ka shaqeeya qeybaha kala duwan ee Ganacsiga, waxaana arintan hada Booliska ka soo yeertay ay noqoneysaa mid dhaxalgal u ah Ganacsatada, maadaama hadii Canshuurtii la bixiyo wadadii saxda aheyd loo isticmaalo ay ka qeyb qaadaneyso dib u dhiska dalka.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku yaalla shirkado waa weyn oo ka shaqeeya qeybaha kala duwan ee Ganacsiga, waxaana arintan hada Booliska ka soo yeertay ay noqoneysaa mid dhaxalgal u ah Ganacsatada, maadaama hadii Canshuurtii la bixiyo wadadii saxda aheyd loo isticmaalo ay ka qeyb qaadaneyso dib u dhiska dalka.

WARARKA MAANTA Maarso 23, 2017
Su’aalaha Maanta: Maxay tahay sababta Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre ugu magacaabay wasiiro hore oo xilalkooda ku fashilmay wasiiro kamid noqda xukuummadda uu soo dhisay? Maxay la tahay inuu qarin karo musuqmaasuqa wasiiradii hore ee dadka iyo dalka fowdo ka wada dhigay? Mise sheekada waa hala sii wada wixii la xadi karo! Maxayse tahay sababta labada gole aan loola tashan inay wax laga weydiiyo soo xulista wasiiradda cusub? Dowladdan Wada Dadban waxay tahay cagta saartay dhabo/jid/waddo ka sii liidata dowladdihii hore ee Eeboow Ummadda Soomaaliyeed u gargaar!
Hargaysa Maarso 23, 2017 Dowladda Soomaaliland iyo Dowladda Turkiga ayaa waxa ay ka wada hadleen xiriirka Labada dhinac, kadib markii Madaxweynaha Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu Hargeysa ku qaabilay Qunsulka cusub ee Turkiga u fadhin doona Soomaaliland.

Kulankan oo ay wada qaateen Madaxweynaha Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Safiirka cusub ee Dowladda Turkiga u fadhin doona Soomaaliland ayaa waxa ay si gaar ah iskugula soo qaadeen Abaaraha, Dhaqaalaha iyo arrimo kale.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaalialand Xuseen Aadan Cige (Deyr) ayaa sheegay Dowladda Turkiga in ay kala hadleen sidii ay wax uga qaban laheyd Abaaraha ka jira Degaanada Soomaaliland, Waxbarashada iyo Maalgashiga.
Abaaro aad u daran ayaa ka jira dalka gaar ahaan Gobolada, oo ay ugu horeeyaan Degaanada Soomaaliland, waxaana socda dadaalo Soomaaliland ay ku badbaadineyso shacabkeeda.

UK Maarso 23, 2017 Booliska Ingiriiska ayaa sheegay in weerarkii ka dhacay buundada Westminster iyo bannaanka hore ee baarlamaanka dalkaasi ay u badan tahay inuu xiriir la leeyahay Islaamiyiinta.

Sarkaal sare oo ka tirsan waaxda la dagaalanka argagixisada ayaa sheegay inuu rumaysan yahay in ay garanayaan qofka weerrarka gaystay.

 Shan qof ayaa dhimatay ugu yaraan 40 kalana waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii qofkaasi weerarka soo qaaday uu gaari marsiiyay dad marayay wadada dhinaceeda, iyo markii dambana uu toorey askari boolis ah ka hor inta aanan la toogan.

 Askariga dhintay ayaa waxaa lagu magacaabay Keith Palmer, oo 48 jir xaasle aabe ah.

 Raysal Wasaare Theresa May ayaa sheegtay in weerrarku uu ahaa mid shaydaannimo ah oo lagu qaaday xorriyadda, dimuqraadiyadda iyo xorriyadda hadalka.

 Qofka weerrarka gaystay ayuusan boolisku weli magacaabin.

Nairobi Maarso 23, 2017 Magaalada Nairobi ee dalkan Kenya ayaa waxaa saaka ka furmaya shir ay yeelanayaan masuuliyiinta ugu sareysa ee Kenya iyo Soomaaliya, sida horey loo sii shaaciyay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmajo) iyo dhigiisa Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka qeyb galaya shirkan, waxaana looga hadlayaa arrimo la xiriira Labada dal.

Shirkan ayaa waxaa si gaar ah diirada loogu saari doonaa xaalada Qaxootiga ku jira xerada Dhadhaab, Abaaraha Soomaaliya ka jira, Amniga, Ganacsiga iyo isu socodka Labada dal.

Safiirka Dowladda Soomaaliya ee Kenya Jamaal Maxamed Xasan dhowaana loo magacaabay Wasiirka Qorsheynta Maalgashiga Soomaaliya ayaa sheegay ujeedka uu Madaxweynaha Soomaaliya uu Kenya ku tagay in ay tahay ka qeyb galka shirka maanta ka furmaya Magaalada Nairobi, ayna rajeynayaan in guul uu ku soo dhamaado.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb gali doona Shir-madaxeedka Urur Goboleedka IGAD oo 25-ka bishan ka dhici doona magaalada Nairobi, kaas oo diiradda lagu saari doono arrimo dhowr ah oo gobolka khuseeya oo ay ugu horreyso arrinta Qaxootiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Maxamed C/laahi Maxamed (Farmajo) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay waxa ay booqasho rasmi ah ku tageen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana Madaxweynaha safarkan uu u yahay kiisa labaad, maadaama uu horey u aaday dalka Sacuudiga.

Muqdisho Maarso 23, 2017 Waxaa si lama filaan ah ku kordhay xildhibaannada golaha shacabka ah ee diiddan xukuumadda Xasan Cali Kheyre oo 21-ka bishana kaga dhowaaqay Muqdisho.

Xildhibaan Idirs Cabdi Dhaqtar oo saakay la hadlay Idaacadaha maxalliga ee Muqdisho ayaa sheegay in tirada intii hore ay ka badatay islamarkaana hadda la marayo 180 xildhibaan.

Dhaqtar ayaa sheegay in marnaba xukuumaddan aysan ka gudbi doonin sida uu sheegay golaha shacabka islamarkaana dib loogu celinayo Ra’iisul wasaare Kheyre.

Xildhibaankan ayaa sidoo kale kula taliyey Ra’iisul wasaarah inuu dib uga laabto magacaabista wasiirada, kahor inta aan lagu soo celin waqtina aanu ka khasaarin

Puntland Maarso 23, 2017 Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Kalluumeysiga Maamulka Puntland C/raxmaan Jaamac Kulmiye ayaa faah faahin ka bixiyay Kalluumeysiga sharci darada ah ee ka socda Degaanada Puntland.

Waxa uu sheegay in ay jirto mararka qaar Maraakiib si sharci daro ah uga Kalluumeysta xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan dhanka Puntland, isaga oo sheegay Puntland in ay ka warqabto Maraakiibta sida sharci darada ah uga kalluumeysta Degaanada Puntland, taasina aan loo dulqaadan doonin.

Sidoo kale C/raxmaan Jaamac Kulmiye Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Kaluumeysiga Maamulka Puntland ayaa sheegay Maraakiibtan in ay ku dareen Rag kor kala socda, dhaq dhaqaaqa ay sameynayaan.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Kaluumeysiga Maamulka Puntland C/raxmaan Jaamac Kulmiye ayaa sidoo kale waxa uu sheegay Puntland in 11 Markab ay siisay Shati ama Ruqsad ay uga Kalluumeysan karaan xeebaha Puntland.

Soomaaliya Maarso 23, 2017 Ururka Argagixisadda Al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe, waxa ay weerar abaabulan ku qaadeen Saldhigyo ciidamada Millitariga ku leeyihiin Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Shabaabka weerarka soo qaaday ayaa soo maray dhanka Xeebta Degmada Baraawe, waxayna beegsadeen Saldhigyada ciidamada Millitariga ku leeyihiin isla Xeebta Degmada Baraawe, halkaasi oo dagaal xoogan uu ka dhacay.

Gudoomiyaha Degmada Baraawe Xuseen Barre Jeex, oo wareysi siiyay Risaala ayaa sheegay in ciidamada Shabaab ay gubeen hal gaari oo nooca Cabdi bilaha ah, kaasi oo ay lahaayeen ciidamada Millitariga.

Sidoo kale Xuseen Barre Jeex Gudoomiyaha Degmada Baraawe, ayaa sheegay inay iska caabiyeen Shabaabka weerarka soo qaaday, Khasaaraha ka dhashay dagaalkana uu ku kooban yahay.

Waxaa jira Khasaare nafeed oo ka dhashay weerarkaasi, kuwaasi oo soo kala gaaray dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay, hayeeshe waxaa adag helida macluumaadka saxda ah ee Khasaaraha dagaalka ka dhashay.

Shabaabka weerarka soo qaaday ayaa dib uga baxay Magaalada Baraawe gudaheeda, kadib dagaalka oo ku dhawaad saacad socday.

Nairobi Maarso 23, 2017 Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa shalay waxa uu booqasho rasmi ah ku tagay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay ujeedka Madaxweynaha Kenya uu u tagay Kenya in ay tahay ka qeyb galka shir looga hadlayo arrimaha Qaxootiga Dhadhaab oo maanta Kenya ka furmaya iyo shirka IGAD oo gelinka dambe ee Jimcaha furmaya, kaasi oo isna looga hadlayo Qaxootiga ku daadsan qaar ka tirsan dalalka Afrika.

Safiirka Dowladda Soomaaliya ee Kenya Jamaal Maxamed Xasan dhowaana loo magacaabay Wasiirka Qorsheynta Maalgashiga Soomaaliya ayaa sheegay in ay rajeynayaan guulo in ay ku soo dhamaadaan shirarkan, wax badana ay ka soo bixi doonaan.
Waa safarkii Labaad uu Madaxweyne Farmaajo ku aado dalka Dibaddiisa, kadib markii 8-dii Febraayo ee sanadkan loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ka horeeyay safar uu ku tagay dalka Sacuudiga.

Muqdisho Maarso 23, 2017

WARARKA MAANTA Maarso 22 2017

Su’aasha Maanta: Maxay tahay sababta ay qaar kamid ah wasiiraddii shalay la magacaabay inay isku-calisaan si deg dega ah? Maxaa wasiiro horay musuqmaasuq iyo wax qabad la’aan ugu soo guuldaraystay in mar kale wasiiro loo magacaabo? Maxaa ka khaldan Mudane Madaxweyne Farmaajo? Maxaa ku khasbay inuu wasiiro u soo magacaabo wasiiro horay ay Qaramadda Midooway u kashifeen musuqmaasuqooda baahsanaa? Ummadda Soomaaliyeed Iyo Bulshadda Caalamka waxay degdeg kalsoonida iyo dhaqaalaha ka joojin doonaan Dowladdan Wada Dadban ee lagu soo wada aruuriyey dad qurbo-joog ah kuwaasoo horay wasiiro hawlahoodii ku guuldaraystay soo noqday!

Kampala Maarso 22, 2017 Maxuu u kashifay sir badan safiir ku-xigeenka Dowladda UK ee Soomaaliya? https://www.youtube.com/watch?v=BoSChGar6w8

Muqdisho Maarso 22, 2017 Ra’iisul Wasaaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ay Wehliyaan Taliyeyaasha Ciidamada Booliska Iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa Caawa Booqday Cisbitaalada la Dhigay Dadkii Ku Dhaawacmay Qarax lala beegsaday Difaaca ay Ciidamada Ammaanku ku leeyihiin Xarunta Golaha Murtida Iyo Madadaalada National Theater magaalada Muqdisho.

Cisbitaalada uu booqday Ra’iisul Wasaare Kheyre waxa ay kala ahaayeen Madiina iyo Ordugan, isagoo midmid u xog wareystay dadka dhaawayadu soo gaareen, si uu u qiimeeyo xaaladahooda iyo nabarada gaaray inta ay gaarsiisanyihiin.

Mudane Kheyre ayaa Warbixino ka dhageystay Saraakiisha Caafimaadka Ee Cisbitaaladaasi, wuxuuna ka dalbaday in dag dag loogu soo gudbiyo bukaanada Xaaladdooda Caafimaad aan waxba looga qaban karin gudaha dalka.

Agaasimaha Cisbitaalka Madiina Dr Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in Cisbitaalka Madiina la soo gaarsiiyay dhaawacyada 20 ruux kuwaas oo hadda xaaladdooda Caafiimaad ay la tacaalayaan.

Sidoo Kale Saraakiisha Ciifimaadka Cisbitaalka Ordogan ayaa xagooda sheegay in lasoo gaarsiiyay 1 bukaan ayna daweynayaan.

Intaas Kadib Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa Sheegay  in uu magacaabay guddi gaar ah oo isugu jira Dhaqaatiir, Aqoonyahan iyo Culimaa’udiin, kuwaas oo si gaar ah u qiimeyn doono dadka Dhaawacyadoodu ay culisyihiin waxna aan looga qaban karin gudaha dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Caawa booqday Goobtii uu qaraxa ka dhacay, waxaana halkaasi la geeyay howlwadeeno ka tirsan waaxda nadaafadda ee dowladda Hoose, iyagoo isla caawa bilaabay howlo lagu nadiifinayo burburka iyo waxyaabaha kale ee ka dhashay Qaraxa
Muqdisho Maarso 22, 2017 Wasiirkii hore  arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa ku sugan magaalada Washington DC ee dalkaN Mareykanka oo uu maanta soo gaaray.

Wasiirka ayaa ka qeyb galaya shir ku saabsan la dagaalanka argagIxisada gaar ahaan kooxda daacish, oo ay qabaneyso wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka.
UK Maarso 22, 2017Dowladda Britain ayaa ku dhawaaqday tallaabo lagu mamnuucayo in diyaaradaha lala raaaco qalabka elektorooniga ah.

Diyaaradaha tallaabadaasi ay saameyneyso waa kuwa dullimaadyada tooska ah ku taga UK ee ka baxaya dalalka Turkigaa, Lubnaan, Urdun, Masar, Tunisiyaa iyo Sucuudiga.

Waxaa diyaaradaha dalalkaasi ka baxa ee aada UK laga mamnuucay in lala raaco, Laptop-yada, Tablet-ka, iyo qalalka kale ee waaweyn.

Sidoo kale tallaabada waxay saameyneysaa rakaabka sita qalabkaa game-ka lagu ciyaaro.

Maamulka Britain aayaa sheegay in arrinta ay kala tashadeen laanta amniga hawada ayna “muhiim iyo laga maarmaan tahay”.

Mareykanka ayaa tallaabo noocaas ah qaaday, diiwaankiisana waxaa ku jiro sideed dal.

Saraakiisha UN waxay sheegayaan in qalabkaasi lagu qarin karo bam iyo waxyaabo kale oo halis ah.

Kampala Maarso 22, 2017Agaasimaha Guud ee HSJ iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa manta la soo tusay sida uu u shaqeeyo Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kigaali ee Caasimada Dalka Rwanda waxaana mid mid loo tusay qalabka ay ku shaqeeyaan hay’adda Socdaalka Dalka Rwnada.

Ka hor inta aan lageen Garoonka Diyaarada ayaa waxaa kulan wada jir ah qaatay Wafdiga uu uu hogaaminayo Agaasimaha Guud ee HSJ iyo masuuliyiinta madaxda ka ah qeybta Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Dalka Rwanda.

Maalamaha Soo socda ayaa lagu wadaa in madaxda iyo saraakisha ka socota Soomaliya la geeyo Xaduuda uu dalka Rwanda la wadaago Dalka Uganda halkaasi oo lagu soo tusi doono sida ay u shaqeeyaan saraakiisha ka howlaga Xaduuda dalkaasi.
Puntland Maarso 22, 2017 Wafdi uu Hogaaminaayo madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta lagu wadaa in ay dib ugu laabtan Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari kadib markii ay soo gaba-gabeeyeen safar muddo todobaad ah qaatay oo uu ku tagay dalalka Itoobiya & Imaaraatka Carabta, isagoo goobahaas kula kulmay madax kala duwan oo ay kala hadleen arrimaha Amniga & Maalgashiga caalamiga ah.

Madaxweynaha Puntland ayaa dalka Isku taga Imaaraatka Carabta u tagay arrimaha la xariira Maalgashi loo raadiyo Puntland, siiba arrimaha ku saabsan dhaqaalaha iyo Heshiis la sheegay in ay Puntland dooneysay in ay la gasho Shirkada DPworld ee dalkaas laga leeyahay taasi oo ka shaqeysay arrimaha dekadaha.

Soo laabashada Madaxweynaha Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ee Boosaaso ayaa ku soo beegmaysa xili tan iyo xalay soo baxday wararka sheegaya in Isku shaandheyn lagu sameyn doono golaha Xukuumada ee Puntland, taas oo lala sugayay golaha Xukuumada Faderaalka si loo ogaado hab qeybsiga xubnaha golaha Xukuumadaas

Muqdisho Maarso 22, 2017 Mid kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya islamarkaana kasoo jeeda deeganada Maamulka koonfur Galbeed Soomaliya ayaa sheegay in aysan codka kalsoonida siin doonin Golaha Wasiirada Cusub oo uu soo magacaabay Raisulwasaaraaha Xukuumadda Soomaliya.

Xildhibaan Idiris Cabdi dhaqtar oo kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaliya oo hadlay ayaa sheegay In xildhibaanada kasoo jeeda deeganada Koonfur Galbeed Soomaliya oo tiro ahaan oo gaaraya 60-mudane oo kulan yeeshay ay isku raaceen in aan codka kalsoonida la siinin Golaha Wasiirada Cusub oo uu soo magacaabay Raisulwasaaraaha Soomaliya.

Xildhibaanka ayaa sheegay in la qiyaamay Xildhibaanada kasoo jeeda Koonfur Galbeed Soomaliya oo markii hore lagu balamay in Koonfur Galbeed Soomalia la siiyo Wasiirada Maaliyadda iyo Raisulwasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaliya

Dhadhaab Kenya Maarso 22, 2017 Booliska Dowladda Kenya ayaa wada howlgallo ballaaran oo lagu baadi goobayo Maclimiin Kenyaan ah oo dhawaan laga afduubtay Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab.

Taliyaha Ciidamada Booliska, Aaron Moriasi ayaa waxuu sheegay in maclimiinta la afduubtay lagu hayo meelo aan ka fogeyn Xeryaha Dhadhaab ee Dalkaasi Kenya.

Waxuu sheegay in Ciidamada Booliska ay soo xireen 200 oo Ruux, kuwaasi oo lagu tuhmayo in ay wax ka ogyihiin afduubkaasi.

Taliye Aaron ayaa waxuu carabka ku adkeeyay in afduubka loo geystay maclimiintaasi ka soo jeeda Kenya ay ka dambeeyaan Xoogaga Xarakada Al Shabaab.

Bishii February, labo Ruux oo hubeysan, kuwaasi oo sida la sheegay ka mid ah Al Shabab ayaa xoog ku galay Iskuul ku yaalla Dhadhaab, halkaasi oo ay ka soo afduubteen Haweeney macalin aheyd

WARARKA MAANTA Maarso 21 2017

Today’s Facts: #Somalia’s #Prime Minister H.E. Hassan Ali Kheyre announced his cabinet today adding & re-appointing previously corrupted & failed ex- Ministers

Su’aalaha Maanta: Maxaa loogu soo daray liiska wasiiradda cusub ku horay ugu fashilmay wasiirnimo? Ma shacabka ayaa la wada waalan mise dowladda wada dadban waxay fahansan tahay inaysan shacabka la xisaabtami karin?

Muqdisho Maarso 21, 2017 Ra iisal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa hada ku dhawaaqay golhiisa Wasiirada kadib munaasabd kooban oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Wasiirada uu ku dhawaaqay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa isugu jira Ra’isul Wasaare kuxigeen ,Wasiiro , Wasiir kuxigeeno iyo Wasiiro Dowlayaal, waxaana Wasiirada qaar kamid ah Siyaasiyiin caan ah oo horey xilal kala duwan dalka uga soo qabtay.

Golaha Wasiirada uu goordhaw ku dhawaaqay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo ka kooban 26-wasiir waxaa ku jira aqoon yahano qaarkood siyaasada ay ku cusub yihiin, waxaana Liiska Wasiirada laga waayay xubno horey loo saadaalinayay in ay kamid noqon doonaan Xukuumada cusub.

Halkan ka Akjriso Magacyada Wasiirada Qaar

1- Avv. Mahdi Axmed Guuleed Khadar Ra’iisul Wasaare kuxigeen

2- Cabdi Faarax Juxa Wasiirka Arrimaha Gudaha.

3- Yuusuf Garaad Cumar Wasiirka Arrimaha Dibadda

4- C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda

5- C/raxmaan Xoosh Jibriil Wasiirka Dastuurka

6- Amb. Jamaal Hassan Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga

7- Maryan Aweys Wasiirka Dekedaha

8- Eng. Cabdi Canshuur Xasan Wasiirka Boostada, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada

9- Maxamed C/llaahi Salaad Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka

10- Khadra Axmed Ducaale Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha

11- Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo isboortiga

12- Cabaas Siraaji Wasiirka Howlaha Guud

13- Maryan Qaasim Wasiirka Arrimaha Gargaarka

14- Deeqa Yaasiin Wasiirka Haweenka iyo xuquuqul Insaanka

15- C/raxmaan Cabdi Xaashi Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka

16- Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Gudaha

17- Eng. C/raxmaan Yariisow Wasiirka Warfaafinta

Somaliland Maarso 21, 2017 Gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ahna musharaxa madaxweyne ee xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ee Caasimada Somali-land ayaa ka hadlay sababta ka dambeysa heshiiska Dowladda Imaaraadka Carabta iyo Xukuumadda Soomali-land ee Saldhiga Magaalada Berbera.

Muuse Biixi Cabdi ayaa tilmaamay in sababta loo saxiixay heshiiska Saldhiga Milatari ee Magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil ay tahay mid dan weyn ugu jirta Soomalia oo dhan islamarkaana faaidada lagahelo ay umadda Soomaliya ka faaidi doonto.

“Saldhiga Milatari Ee Berbera Waxaa Loo Saxiixay dan Somaliyeed, looma saxiixin in lagu duqeeyo meel gaar ah, Somaaliya hogaan way leedahay, heshiiska Saldhiga Magaalada berbera waxaa kala saxiixday Somali-land iyo Dowladda imaaraadka carabta, Dowladda Soomaliya iyada wax un ayay ka ogtahay”, ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi.

Dhanka kale Gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ahna musharaxa madaxweyne ee xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi ayaa tacsi u diray dadkii Soomaliyeed ee lagu laayay Gantaalkii lagu dhuftay dooni ay la socdeen ee kusii jeeday dalka Suudaan, waxa uuna u sababeeyay arintaas shaqo la’aan dalka ka jirta.

Muqdisho Maarso 21, 2017 Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay ka qeyb qaadan doono howlgalka lagula dagaalamaayo Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan dowladda Turkiga ayaa sheegay in ay qaadi doono tilaabo ay ku doonayaan in ay si weyn uga qeyb qaataan dagaalka lagula jiro Xarakada Al-Shabaab.

Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladdaTurkiga ayaa sheegay in dowladda Turkigu ay doonayso in ay balaariso awooddeeda ku aadan dagaalka lagula jiro Xarakada Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya.

Dhankale War kasoo baxay dowladda Turkiga ayaa lagu sheegay in dhawaan Soomaaliya ay usoo diri doonto Markab sida Shixnad ah Gargaar ah oo lagu tala galay in lagu Caawiyo dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu ay saameeyeen.

Dowladda Turkiga ayaa Sanadyadii lasoo dhaafay saameyn weyn ku la heyd Soomaaliya , waxaana ay Dalka ka fulisay Mashaariic kala duwan.

Gaalkacyo Maarso 21, 2017 Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, waxa ay sheegayaan in ay xiran yihiin xarumihii ay ku shaqeyn jireen Maamulka Gobolka Mudug ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale waxaa xiran xarumihii ay ku shaqeyn jireen Mas’uuliyiinta Wasaaradaha Puntland u qaabilsanaa gobolka Mudug.

Sababta Keentay ayaa lagu sheegay in tahay Cabsi laga qabo in ciidamo gadoodsan oo Mushaar la’aan ka cabanaya ay tagaan Xarumaha ,islamarkaana ay la wareegaan.

Ciidamadaasi ayaa ku wargeliyay masuuliyiinta xarumahaasi inaysan furi karin goobahan, sidoo kalena wax shaqo ah aysan ku qaban karin, hadii kale ciidamada ay la wareegayaan.

Qaar ka mid ah Wariyeyaasha ku sugan Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegayaan in Gabi ahaan in ay xiran yihiin xarumihii maamulka ,islamarkaana aysan ka socon wax shaqo ah


liiska xubnaha gollaha wasiirada oo dhameystiran :

 

 


WARARKA MAANTA Maarso 20, 2017

Su’aalaha Maanta: Maxay tahay sababta loogu soo darayo golaha wasiiradda dad horay u soo qabtay xilal wasiirnimo iyo xilal kare oo sar-sare kuwaasoo ay ku fashilmeen inay si fiican u gutaan hawlihii loo xilsaaray inay u qabtaan Ummadda Soomaaliyeed? Maxayse weli seddex masuul ee ugu saraysa Dowladda Soomaaliya ay iskugu haystaan wasiiradda muhiimka ah ee dhacdhaca sida joogtada ah u hela? Maxayse Ummadda Soomaaliyeed u rabaa in dad nadiif ah loogu magacaabo wasiiro? Yaa mudan in loo magacaabo jaggo wasiirnimo/denjirenimo?

Muqdishu Maarso 20, 2017 Wariyaasha ayaa goordhaew looga yeeray Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya in ay yimaadaan si ay goob joog uga noqdaan magacaabista golaha Wasiirada oo la filayo in R/Wasaaraha uu ku dhawaaqo saacadaha soo aadan.

Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya ayaa soo gabo gabeeyay wadatashiyadii ku aadaneed magacaabista golaha Wasiirada, waxaana inta badan la xaliyay culeesyo ka jiray magacaabista golaha Wasiirada.

Wali si rasmi ah looma oga tirada ay noqon doonaan Wasiirada la filayo in la magacaabo, waxaa sidoo kale si rasmi ah aan loo ogeyn shaqsiyaadka kasoo dhax muuqan doono Xukuumada cusub ee Soomaaliya.

Puntland Maarso 20, 2017Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa xilka ka qaadey Agaasimaha la dagaalanka burcad badeedka Puntland kadib markii Digreeto Xeer Madaxweyne ay xafiiskiisa kasoo baxday.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku sheegey wareegtada in xill ka qaadista Agaasimaha la dagaalanka burcad badeedka kala tashadey Wasiirka dekadaha halka ujeedkeedu yahay sidii loo dardar galin lahaa howlaha lagula dagaalmayo burcada badaha.

Wareegtada xilka looga qaadey Agaasimaha la dagaalanka burcad badeedka ayaa waxaa ku saxiixan Madaxweyne Gaas oo Puntland ka maqan xilli ku xigeenkiisu sida Dastuurku qabo tahay in talaabdaan lagala tashado islamarkaana ku saxiixnaado qoraalkan.

Xil ka qaadista Agaasimaha ayaa dhinaca kale tmid xilli dhowaan lagu afduubey xeebaha Puntland Markab xamuul ah kasoo Mudane Cabdiazaq Maxamad Dirir kaga hadlay dhibaatada Kaluumeysiga sharci darada oo ku soo badatey xeebaha Puntland ay keeni karto taasoo sababi karta in dib u soo noqdaan howlaha bucad badeednimada kuwasoo horey loo dhabar gooyey .

Agaasimahii hore ee burcad badeedka Candirizaq Maxamad Dirir( Duceysane) oo xilkaaan ay u magacowdey dowladii hore ee Cabdiraxman Farole ayaa qayb libaax ka qaatey howlihii la dagaalanka kooxihii afduubyada ka gaysan jirey badaha Puntland sanadihii 2010-2012 halka uu dalka Somalia dib ugu soo celiyey dhalinyaro badan oo Somali ah kuwasoo xabsiyadii lagu xakumey ku dhameysanaya gudaha wadanka Somalia.

Ghana Maarso 20, 2017 Madaxweynaha dowladda Ghana Nana Akufo-Addo ayaa magacaabay Wasiirada ugu tirada Badnaa Qaaradda Afrika.

Madaxweynaha ayaa magacaabay Gole Wasiiro ah ka kooban 56 Wasiir,50 Wasiir ku xigeen iyo 4 Wasiiro madaxtooyo, waxaana Wasiiradii ugu tirada badnaa ee Soomara Qaarada Afrika.

Dadka kunool dalka Ghana oo waxa ay gaarayaan 27 milyan oo Qof.
Wasiirada uu soo magacaabay ayaa u badan Xildhibaanada Baarlamaanka dalka Ghana.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale difaacay Wasiirada tirada badan oo uu sheegay in ay muhiim u yihiin dowladiisa.

Waxa uu sheegay in shaqo la’aan ba’an ee haysata dhallinta dalkaasi ay tahay wax aad looga walaaco.

Akufo-Addo ayaa intaa ku daray in uu sameyn doono xafiis baaritaan ku sameeyo musuqa ka jira dalka, arrintaa oo qayb weyn ka ahayd ololihiisa doorashada.

Puntland Maarso 20, 2017 Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegeen in ay kordheen dilalka qorsheysan ee ka dhacaya degaanada maamulka Galmudug.

Xildhibaan Cabdi saciid Cabdi Samatar oo ka mid ah Xildhibaanadaasi ayaa sheegay in dilalka qorshaysan ee ka dhacaya Gaalkacyo in ay kordheen ,islamarkaana loo baahan yahay in wax laga qabto.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in Shacabka kunool Magaalada Gaalkacyo laga doonaayo in ay la shaqeyaan Ciidamada Ammaanka.

Sidoo kale waxaa uu xusay in dad badan oo waxtar u lahaa Bulshada Gaalkacyo in la dilay ,islamarkaana aysan jirin tilaabo la qaaday.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa lagu dilay Mas’uuliyiin Badan oo ka tirsan maamulka Puntland

Puntland Maarso 20, 2017Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya iyo sidoo kale Ra’iisulwasaaraha in ay ku dhow yihiin in ay lumiyaan kalsoonida Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dowladdu ay wali cusubtahay ay laakiin hadda ay u muuqato mid sii luminaysa Kalsoonidii ay siiyeen Shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Camey ayaa sidoo kale tilmaamay in ay muhiim tahay in aan la isku mashquulin oo lasoo dhiso xukuumad.

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Waqtigii ay u qabteen Baarlmaanka Soomaaliya in uu kusoo dhiso xukuumad waxaa ka dhiman muddo ka yar 10 maalmood.

Muqdishu Maarso 20, 2017 Turkiga ayaa Dalka ka furtay xarun Ciidan tii abid ugu weyneed oo lagu tababari doono qeeybaha kala duwan ee ciidamada Qaranka Soomaaliya .

Xaruntaan ayaa qalabkeeda uu u dhameys tiran yahay , waxaana dhismaheeda ku baxay in ka badan 50-Milyan oo Dollarka Mareeykanka ah. Furitaanka xeradaan Milatari ayaa waxaa lagu wadaa in uu xariga ka jaro Madaxweynaha dalka Turkiga Mr.Erdogan iyo masuuliyiin kale oo Turki ah kuwaas oo dhamaantood soo gaari doona gudaha Somalia bisha April ee fooda inagu soo heysahttps://www.youtube.com/watch?v=I5O9NkRxsq0

Muqdishu Maarso 20, 2017 Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabay oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in aysan jirin Khilaaf ka dhexeeya Xildhibaabanada Baarlamaanka maamulka Galmudug.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in xildhibaanada Galmudug aysan is khilaafsaneyn ayna diyaar u yihiin in ay si wadajir in ay uga qeyb qaataan howlaha doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in doorashada Madaxweynaha Galmudug ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay u dhici doono.

Ugu dambeyntii Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa xusay in Galmudug ay diyaar u tahay dib u heshiisiin ka dhacda gobolada Dhexe.

Warsaxafadeed
Doorashada Galmudug

Muqdishu Maarso 20, 2017 Raiisul Wasaaraha XF Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Arimaha doorashada ee dhawaan looga dhawaaqay in ay ka dhici doonto Galmudg wuxuu kulamo wadatashi oo isdabajoog ah kala layeeshay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Galmudug, sida: Hoggaanka Galmudug, Xildhibaanada Barlamaanka Galmudug qaarkood, Xildhibaanda Aqalka Sare , xubnaha Golaha Shacabka ee laga soo doortay Galmudug, hoggaamiyeyaasha bulshada iyo Ahlu sunna wal jamaaca.

Hadaba wuxuu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya soo jeedinayaa;

1-ka dib markuu tixgeliyey duruufaha qalafsan ee ka dhashay xaaladda abaaraha ee ka jirta deegaanka Galmudug oo hadda gurmadkeeda lagu gudo jiro iyo baahida loo qabo maamul lagu wada qanacsanyahay.

2-Maadaama ay Dawladda Federaalka Soomaaliya ay ku gudo jirto dhameystirka Golaha Fulinta ee xukuumadda taasoo aan looga maarmeyn fududaynta iyo ka qayb qaadashada doorasahda Galmudug.

3-Raiisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu soo jeedinayaa in Barlamaanka Galmudug uu doorashada dib u dhigo muddo dhan 45 maalmood si loo yagleelo maamul dhaxal gal ah oo hoggaankiisa heshiis laga wada yahay.

4-Murashaxiinta Jagada Madaxweynaha Galmudug waxaan ugu baaqayaa in ay nala tixgeliyaan in la helo dib-u-heshiisiin iyo is afgrad, si loo qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu doorto hogaan raali ka yihiin dhammaan shacabka Galmudug.

5-Ugu danbeyntii waxan ugu baaqayaa shacabka Galmudug iyo hogaamiyeyaasha Bulshada Galmudug in fursadan taariikhiga ah loo wada guntado, si iyadoo loo dhan yahay loo dooran lahaa hoggaan u hordeeda bulshada nabad iyo horumar dhan walba ah.

—-DHAMMAAD—

WARARKA MAANTA Maarso 19, 2017

Su’aalaha Maanta: Maxay seddex Madaxda dalka ugu saraysa iskugu haystaan soo xullida golaha wasiiradda/xukuummadda soo socota ee cusub taasoo uu hoggaaminayo Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Khayre oo aan wax aqoon/khibrad dowladdeed u lahayn? Mise waxay ku soo dari rabaan qaar kamid ah dadkii horay ugu fashilmay wasaaraddihii hadda ka hor ay soo qabteen kuwaasoo ay kala keensadeen Madaxweyne Mudane Farmaajo Iyo Ruug-cadaa Mudane Jaawhari oo ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed?

Muqdishu Maarso 19, 2017 SIYAASAD AAN LAHAYN ISLA XISAABTAN IYO KOR JOOGTEYN AYAA SOOMAALIYA DHIGTAY MEESHA AY TAALO MAANTA. Bal waxyar ila milicso balan qaadyadii Madaxda Qaranka intii aan la dooran!

1. Dad inta la isku qarxiyo inaan tacsi lasoo istaagno ma ahan ee waa inaan cadowga meeesha uu joogo dagaal kula galnaa.!

• Waxay dhashay darsin darsin inta dadku ulle’daan inaan juuqna laga dhahin. Cadow meel uu joogo oo loogu tago iska dhaafe!

2. Musuq Maasuqa waan la dagaaleynaa. Dowladeenana waxay noqoneysaa Dowlad ku dhisan hufnaan, isla xisaabtan iyo ilaalinta danta Dalka iyo Dadka!

• Iyadana waxay dhashay lacagtaan hadiyad ahaan ayaa la iigu keenay! TOLOW HADIYADI MAXAY TAHAY?!.

3. Madaxbaanina dalkeena waa muqadas mana ogolaaneyno faragelin shisheeye nuuc waliba oo ay ahaataba!

• Iyadana maanta waxay dhashay Madaxweyne Dal kale isagoo aan Dowlada Soomaaliya la soo socodsiin inta yimaado Degmooyinka Dalka qaar kamid ah, in ololo dib u doorashadiisa la xiriira uu ku qabto. Dowladeenana aysan juuq ka dhihin!

4. Xildhibaanadii Qaranka ee mas’uuliyadoodu ahayd KOR JOOGTEYNTA IYO LA XISAABTANKA MADAXDANA waxay mashquul ku yihiin aniga hadaan hadlo liiska Wasiirada soo socda ayaa la’iga tirayaa!

• War calaf ayaa la cunaa ee Dalkaan iyo Dadkaan mas’uuliyada naga saaran aan gudano. Mahadsanidiin.

AFEEF: Qoraalkaan mucaaradnimo igama ahan ee waa toosin. Waana in Madaxdeena dib isku saxdaa si danta Dalka iyo Dadka loo gaaro. Mahadsanidiin.

Kisnaayo Maarso 19, 2017 Gudoomiyaha Maxkamadda magaalada kismaayo ee Maamulka jubba-land Sheekh Xasan Macalin Aadan oo mudooyinkii dambe xilka Maxkamadda Magaaladaas hayay ayaa saakay cadeeyay in uu Iska casilay xilkaas.

Sababta ka dambeysa in uu iska casilo xilkii uu hayay maamulka Jubba-land ee dhanka Maxkamada magaalada Kismaayo ayaa ku sheegay in uusan qaadanin Muddo bilooyin ah wax mushaar ah, amnigiisana u baqay islamarkaana taasi ay keentay in uu iska casilo xilkii u yahay maamulka.

Xiriiro ynu la sameenay mas’uuliyiinta maamulka jubba-land ee Magaalada Kismaayo inooma suurta galin in aan qadka taleefanka ku helno, si aan wax ugu weydiino cabashada Gudoomiyaha Maxkamadda magaaladaas ee Maamulka jubba-land Sheekh Xasan Macalin Aadan.

Muqdishu Maarso 19, 2017 Madaxweynaha maamulka Khaatumo Dr Cali Khaliif Galaydh iyo waftigii wada hadalada Khaatumo iyo Somaliland u qaabilsanaa maamulka Khaatumo ayaa goordhaweyd ka duulay Garoonka Diyaaradaha Golley-yeedhay ee duleedka waqooyi ee degmada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Wafdigaan waxa ay ku wajahan yihiin Magaalada Djibouti ee xarunta dalka Djibouti halkaasoo wareegii sadexad ee wada xaajoodku uga furmi doono Maamulada Somali-land iyo Khaatumo State, kadib markii wajigii Labaad Guulo laga gaaray.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State Cali Khaliif ayaa wararku sheegayaan inuusan ku hakan donen dalka magaalada Djibouti ee caasimada dalka Jabuuri, isagoo u gudbi doona dalka Isu taga imaaraadka Carabta oo uu kaga qaybgeli doono shirar xaalada abaaraha ah iyo arimo kale oo asaga u gaar ah.

Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili shalay Golaha wakiilada maamulka Somali-land ay ansixiyeen Wada-hadalada maamulada Somali-land iyo Khaatumo State, islamarkaana ay aqoonsadeen maamul jira khaatumo State

Muqdishu Maarso 19, 2017 Wariye Mahad Maxamed Cabdiraxmaan “ Mutawakil” ayaa ku dhaawacmay israsaaseyn Ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhexmartay Isgoyska Tarabuunka  degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Wariye Mahad Mutawakil oo ka mid ah Shaqaalaha radio  Shabelle ayaa dhaawacmay xilli uu gudanayay howlihiisa shaqo.

Waxaana haatan lagu dabiibayaa mid ka mid ah Isbitaalada Magaalada Caasimadda ah ee  Muqdisho.

Muqdishu Maarso 19, 2017 Maalin uun kaddib markii 32 qof oo muhaajiriin Soomaali ah oo ka qaxay dalka Yaman lagu laayay badda cas, ayaa waxaa hadda soo baxaysa qeylo dhaan ay samaynayaan qoysas Soomaali ah oo ka soo caray Yaman basle ku xiran dalka Suudaan.

Qaar ka mid ah dadkan oo BBC-da la soo xiriiray ayaa waxa ay sheegeen in ilaa 185 qoys ay gaarayaan ayna 11 bilood xabsi ku jireen.

Dhanka kale Safaaradda Soomaaliya ee Khartuum ayaa sheegtay in ay ka war hayso dadkaasi oo ay xabsiga ku booqdeen.

Maxamed Cabdullaahi Ugaas oo ah safiirka Soomaaliya u fadhiya Suudaan, ayaa sheegay in ay ka war qabaan 102 qof oo sheegtay in ay ka yimaadeen Yaman basle ay diideen in Soomaaliya dib loogu celiyo.

Dadkaasi waxaa ka mid ah Ismaaciil Maxamud, waxa uuna khadka taleefoonka ugu warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare

Muqdishu Maarso 19, 2017 Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka Turkiga Mohmet Simsek oo ka hadlayay kulan ay isugu yimaadeen wasiirada dalalka G20-ga ee ugu dhaqaalaha badan caalamka kaa oo ka dhacay magaalada Beden-beden ee dalka Germany ayaa waxa uu sheegay tan iyo 2011 xiligaa oo ay bilaabeen howlaha samafalka ee dowlada turkiga ay kawado gudaha dalka soomaaliya in ay ugu baxday lacag dhan $1 Billion oo dollar taa oo qeyb ka ah sida uu sheegay howlgalka horumarinta iyo maalgelinta qaarada Africa.

Qodobada looga hadlayay kulanka wasiirada G20-ga ayaa waxa uu sheegay in looga hadlay xoojinta xiriirka dalalka qaarada Africa oo 100-ka sano ee soo scoto mustaqbalka ganacsiga aduunka kor u qaadi karta.

Dowlada turkiga ayaa ah mid dadaalo badan ku bixineysa dalalka qaarada Africa oo 12 safaaradood imika ku leh dalal ay soomaaliya kamid tahay iyadoo qaarkood la’aas aasay sanadii 2004-tii.

Wasiir ku xigeenka dalka turkiga ayaa tibaaxay in kulanka labada maalin ka socday magaalada Baden-baden in uu ahaa mid miro dhal u leh maalgelinta dowlada turkiga isagoo xusay in ay sii wadi doonaan.

kulanka ay isugu yimaadeen wasiirada dalalka 20-ka ee ugu dhaqaalaha badan caalamka ayaa horudhac u ah kulan madaxda dalalkaasi ay ku yeelan doonaan dalka germalka bisha July ee soosoto.

Addis Ababa Maarso 19, 2017 Shirkan oo ka dhacay Magaalada Addis Ababa, islamarkaana ay ka qeyb galeen Wasiirro Arrimo Dibadeedyda Urur Goboleedka IGAD ayaa looga hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin abaaraha ku dhuftay Dalka Soomaaliya.

Wasiirada ayaa muujiyay in loo baahan yahay gurmad bini’aadannimo oo loo fidinayo malaayiinka ku nool Degaanada ay ka jiraan abaarahan.

Dhinaca kale, Wasiirada Arimaha Dibadda ee Urur Goboleedka IGAD ayaa ka hadlay howlgalka AMISOM, iyo baahida loo qabo in taageero dheeraad ah la siiyo Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Ugu dambeyn, IGAD ayaa sidoo kale xoojisay in loo baahan yahay kordhinta xaqiijinta amaanka Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

WARARKA MAANTA Maarso 18, 2017

Su’aalaha Maanta: Meeqo Wasiir ayuu dalka qaadi karaan hadda? Meeqo gabdhood/dumar ayeey kufsadeen Ururka Argagixisada Al-Shabaab? Meeqo gabdhood/dumar ayeey kufsadeen ciidamadda shisheeyaha ah ee jooga dalka gudihiisa?

Muqdisho Maarso 18, 2017 Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmay Gudoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, waxaana uu kala hadlay Ammaanka iyo sidoo kale Abaaraha ka jira Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Gudoomiyaha waxaana uu uga warbixiyay Abaaraha saameeyay dadka Soomaaliyeed ee ka jira guud ahaan Soomaaliya.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya xilligaan ay ka jirto Abaar Baahsan , islamarkaana ay ku dadaali doonaan sidii wax looga qaban.

Gudoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyadoo Raysal Wasaaraha dalka uu soo dhaweeyay.

30-kii Junuaray ayaa Xubnaha Ururka Midowga Afrika ay u doorteen Mudane Moussa Faki Mahamat oo u dhashay Chad,ahna wasiirka arrimaha dibad dalkaas in uu noqdo Gudoomiyaha Cusub ee Ururka Midowga Afrika sanadaha soo socda.

Waa Booqashadii ugu horeysay ee uu kusoo gaaro Muqdisho

Muqdisho Maarso 18, 2017 Doorashadii madaxweyne Farmaaje ayaa moodaa in dib loo hool galiyey suuqayada hubka lagu iibsado ee  cirtoogtay iyadoona labada goob ee hada hubka tooska.loogu kala  iibsado ee ay ku kala yaalaan Buila xuubay iyo suuqaweyn ee Bukaaraha

Dhawaqa   hubka sharcidarada lagu kala iibsanaayo oo.mudooyinkaan dhaga dadka kanasteen ayaa hada dib u curtay waxaana moodaa hada in aysanba jirin cid laga cabasnaayo ama joojin karto

Amaa  darada muqdisho ka jirta ayaa koow waxaa ka ah iibinta hubka sharcidarada ee lagu iibiyo ee loo yaqaano Cirtoogte,

Muqdisho Maarso 18, 2017 Joel Millman afhayeenka Hay’adda muhaajiriinta caalamka ee IMO oo la hadlay Associated Press isagoo ku sugan Magaalada Geneva ee dalka Swizerland ayaa sheegay in ay aad kaga xun yihiin weerar lagu dilay dadka qaxootiga ahaa ee Soomalida ay ku jirtay.

“Waxaan hadda cadeyn karnaa in ay jiraan dad badan oo ku dhintay weerarkaas tira ahaan waxay kor u dhaafayaa 40-ruux, kuwa ku dhaawacmay weerarka waxa la geeyay isbitaalada”, ayuu u sheegay Joel Millman afhayeenka Hay’adda IMO oo wareysi siiyay Associated Press.

Inta la xaqiijiyay 40 qof ayaa ku dhimatay duqeyntaasi, waxaana weli la la’ yahay 15 kale oo Soomali ay ku jiraan kuwaadi oo kusii jeeday dalka Suudaan.

Dhaawaca 7 ka mid ah dadkii weerarka ka badbaaday ayaa lagu daweynayaa goobo caafimaad oo ku yaalla magaalada dekadda ah ee Xudeyda ee dalka Yemen,

Washington DC Maarso 18, 2017 Trump iyo Merkel Madaxweyne Trump ayaa markale ku celiyay eedeyntiisa ah in maamulkii Obama uu basaasi jiray.

Mar ay xalay asaga iyo hogaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel, si wadajir ah shir jaraa’id ugu qabteen Aqalka Cad, ayaa waxa uu sheegay in labadooda ay ka siman yihiin basaasidda lagu sameeyay.

Maraykanka ayaa sanadkii 2015 qiray in sirdoonkiisa ay dhagaysteen telefoonnada Merkel iyo dadka la shaqeeya.

Mr Trump ayaa dhanka kale beeniyay in sirdoonka Britain ay ku lug lahaayeen basaasidda uu sheegay in lagu sameeyay.

Mr Trump iyo Mrs Merkel ayaa ka wadahadlay arrimo ay ka mid yihiin ganacsiga labada dal u dhexeeya iyo gaashaanbuurta NATO.

Madaxweyne Trump ayaa ku adkeystay in ajendihiisa uu ku hormarinayo danaha Maraykanka aanu ka dhigeyn nin gooni u socod ah:

Hogaamiyaha Jarmalka ayaa dhankeeda ka hadashay muhiimadda ay leedahay NATO, waxaana ay sheegtay in dalkeeda uu sare u qaadayo miisaaniyadda difaaca.

Malaysia Maarso 18, 2017 Wasaarada Difaaca ee Dowladda Malaysia ayaa wada qorshe ay Ciidamo ka soo jeeda Dalkeeda ugu soo direyso Dalka Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhiga ee Dalka Malaysia, Datuk Seri Hishammuddin Tun Hussein ayaa waxuu sheegay in 20 Askari oo ka mid ah yihiin Saraakiil ay keeni doonaan Magaalada Muqdisho.

Waxaa Wasiirka uu intaasi ku daray in Ciidamadan ay yihiin kuwa sugaya amaanka gargaar bini’aadanimo oo ka imaanaya Dalka Sacuudi Careebiya iyo Wafuud uu sheegay in ay ka imaan doonaan Dalka Malaysia.

Mr. Datuk Seri ayaa xusay in heshiiska Ciidamadooda ay ku imaanayaan Magaalada Muqdisho ay wada gaareen isaga iyo Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Soomaaliya.

Ciidamada la keeni doono Dalka Soomaaliya ayaa laga soo xulayaa kuwa Dowladda Malaysia hadda ka jooga Dalka Sacuudi Careebiya.

Sikastaba, Dowlada Malaysia ayaa gargaar bini’aadanimo oo looga hortago abaaraha Soomaaliya waxey ka raadineysaa Sacuudiga, Iran, Qadar iyo Wadamo kale oo ku yaalla Eeshiya.

Muqdisho Maarso 18, 2017 Diplomaasi African ah oo diiday inuu magaciisa warbaahinta loo adeegsado ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Anadol in gudoomiyaha Midowga Africa uu maanta oo sabti ah soo booqan doono magaalada Muqdisho.

Mas’uulkaasi ayaa sheegay in gudoomiye Musa Faki Maxamed uu kula kulmi doono magaaladani Muqdisho madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Diplomasigaan ayaa u sheegay wakaalada in gudoomiyaha uu u muujin doono Farmaajo sida ay Midowga Africa u garab taagan tahay Soomaaliya xaaladaha abaare iyo la dagaalanka Al-shabab.

Booqashada gudoomiyaha ayaa noqon doonta mid taariqi ah xili ay Soomaaliya ay wajahayso abaare aad u daran.

Faki ayaa magaalada Adis ababa ee dalka Ethiopia shalay kula kulmay madaxweynaha Jabuuti Ismacil Cumar Gelle oo ay kawada hadleen xaalada gobolka sida amaanka iyo abaaraha ka jira Soomaaliya

Qaramadda Midooway Maarso 18, 2017 Rima Khalaf oo ahayd Madaxa Guddiga QM ee Galbeedka Asia ayaa is-casishay, kadib, markii lagu khasbay inay ka laabato Warbixin ay ka diyaarisay Xaaalladda khatarta ee falalka Midab-takoorka ee ka jira Yuhuudda.

Warbixinteeda waxay ku eedeysay Maamulka Yuhuudda Nidaam Midab-takoor ku hayaan Falastiiniyiinta, waana Warbixintii ugu horreysay ee Guddi ka tirsan QM si cad ugu muujiyaan Eedeymahaasi.

Rima Khalaf oo Shir Jaraa’id ku qabatay caasimadda dalka Lubnaan ee Beyruut waxay tilmaamtay inuu Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Gutteres ku amray inay joojiso Wrabixintaasi, kn didiay inuu dib-u-eegis ku sameeyo Warbixinta ka dhanka ah Maamulka Yuhuudda.

Afhayeenka QM, Stephane Dujarric ayaa gaashaank ku dhuftay Eedeynta Rima Khalaf, wuxuuna sheegay inay ku fashilantay inay raacdo Nidaamka, ka hor intaysan daabicin Warbiixntaasi.

Dhinaca kale, Maamulka Yuhuudda waxay si kulul u naqdiyeen Wrbixintaasi, kuna tilmaameen inuu la mid yahay Borobogaandada Naaziyiinta

Nairobi Maarso 18, 20 Xoghayaha arimaha dibadda ee dowlada Britan Boris Johnson aya sheegay in dowlada Kenya ay ka taagerayaan dagaalka lagula jiro xarakada al shabaab isagoo dhanka kale xusay in uu ka taageeri doono abaaraha ku dhuftay qeybo badan oo ka tirsan dalka Kenya.

Shir saxaafadeed ay si wadajir ah ugu wada qabteen magaalada Nairobi ee dalka Kenya Boris Johnson iyo uhuru Kenyatta-ayaa xoghaya arimaha dibadda ee UK waxa uu xusay in 4miliion oo Pound dowlada britian ay kaga qeyb qaadaneyso wax ugu qabashada abaaraha ku dhuftay dalkaasi iyo la’dagaalanka xarakada al shabab waxaana intaa uu kudaray in lacagahan sida ugu dhaqsiyaha badan Loo gudoon siin doono dowlada Kenya isagoo dhanka kale xusay in tabo bar loo fidin doono ciidamada Kenya kuwaa oo ay bixinayaan saraakiil british ah.

Xoghaya arimaha dibadda ee dowlada UK ayaa sidoo kale sheegay in ay taageero siin doonaan howlgalka midowga Africa ee AMISOM si kor loogu qaado dagaalka lagula jiro xarakada al shabab oo soomaliya ka dagaalanta.

Amina Mohammed oo ah wasiirka arimaha dibadda ee dalka Kenya ayaa sheegtay in dowlada britian taageero dhan walba ah in ay lagarab taagaantahay dowlada Kenya iyadoo ka garab istaagta arimaha ganacsiga waxbarashada iyo maal-gelinta.

WARARKA MAANYA Maarso 17, 2017

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo Qoyskiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ku sii sagootiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyo xubno kale oo saaxiibo dhow la ah Xasan Sheekh.

Sarkaal sare oo ka tirsan shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha ayaa sheegay Diyaarad qaas ah in Xasan Sheekh iyo Qoyskiisa ay ka qaaday Garoonka Aadan Cadde, iyaga oo uu kii sii jeeda Dalka Turkiga oo ay degan yihiin Qoyskiisa.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo weligiisa ahaan doona Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa la filayaa in Magaalada Muqdisho uu ku soo laabto mudo kooban kadib marka uu nasiino ku soo qaato Turkiga.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Somaliya ayaa 16-kii Febraayo ee sanadkan si rasmi ah xilka ugu wareejiyay Madaxweynaha cusub ee 8-dii Febraayo lagu doortay magaalada Muqdisho, Doorasho taariiqi aheyd.

Madaxweynayaashii xilalka banneeyay ayaa dhammaantooda degaan ka dhigtay dalal dibadda ah, iyadoo aanu jirin Madaxweyne ku negaaday dalkiisa kadib markii uu xilka wareejiyay

Hirshabeele Maarso 17, 2017 Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Maamulka Hirshabelle Mahad Xuseen Cismaan ayaa sheegay in uu socdo qorshe lagu qaadayo howlgallo ka dhan ah Xarakada Al Shabaab.

Wasiir Mahad ayaa xusay in howlgalladan ay noqon doonaan kuwa la isugu furayo Magaalada Buuloburde iyo Degaanada kale ay gacanta ku hayaan Xoogaga Al Shabaab.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu cod dheer ku sheegay in qorshahooda ugu horeeya uu yahay sidii la isugu furi la haa Degaanada iyo Degmooyinka hoostaga Maamulka Hirshabelle.

Magaalada Buuloburde ee Gobolka Hiiraan ayaa in ka badan 10 sanno ku jirta go’doon waxaan tiro dhowr jeer ah la isku dayay in laga qaado go’doonkaasi balse ma aysan guuro gelin.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn shaaciyay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay go’doonka uga qaadi doonaan Magaalada Buuloburde ee Gobolka Hiiraan

Boosaaso Maarso 17, 2017  Waxaa la sii daayay Markabkii ARIS 13, kadib markii Habeenkii Isniinta ee la soo dhaafay ay Afduubteen Koox Burcad Badeed ah, waxaana ka gooshayay Calanka Sri Lanka.

Agaasimaha Ciidamada Ilaalada Maamulka Puntland C/raxmaan Xaaji Xasan ayaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyay inay gacanta ku hayaan markabkan oo sida shidaal iyo bagaash ay leeyihiin Soomaali.

Sdoo kale waxa uu intaasi ku daray inay bad-qabaan dadkii sarnaa oo tiradoodu gaarayso 8 qof, wuxuuna sheegay in raggan ka dageen Markabka kadib markii ay go’doomiyeen Ciidamada Puntland.
Dhinaca kale Mid ka mid ah dadka Afduubka gaystay oo magaciisa ku koobay C/laahi, ayaa tallaabadan ku macneeyay inay qaadeen kadib markii ay ogaadeen in xamuulka saaran ay leeyihiin dad shacab ah.

Shalay ayay aheyd markii Ciidamada Badda Puntland iyo kooxda Burcad badeeda ay shaqaaqo ku dhexmartay Degaanka Xaabo, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan

Muqqdisho Maarso 17, 2017 Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in iminka ay soo idlaatay diyaarinta Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xubnahan ayaa waxa ay sheegeen 20-ka Bishan aynu ku guda jirno in Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed bilaabi doonaan ka doodista Mooshinka laga gudbinayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Madaxweyne Shariif Xasan ku eedeynaya in uusan waxba u qaban shacabka Koonfur Galbeed, iyaga oo sidoo kale sheegay in waqtiga uu ka idlaaday.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ayay ka dalbadeen in 20-ka Bishan uu u furo kalfadhiga xubnaha xildhibaanada, si ay u horgeeyaan Mooshinka ka dhanka ah Shariif Xasan.

Muqqdisho Maarso 17, 2017   Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka hadlaya arrintan.

Guddiga Gurmadka Abaaraha Qaran ee dalka ayaa sheegay in aysan weli muuqan Doorka xubnaha Beesha Caalamka ay ka qaadanayaan Abaaraha.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo xubin ka ah Guddiga Gurmadka Abaaraha Qaran ee dalka ayaa sheegay Beesha Caalamka in ay ka gaabiyeen wax ka qabashada Abaaraha ka jira Soomaaliya.

Sidoo kale Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa sheegay Beesha Caalamka in ay balan qaadeen lacago, balse ilaa iyo hada aysan jirin lacag soo gaartay Guddiga Gurmadka Abaaraha heer Federaal.
Waxa uu shacabka Soomaaliyeed ee wax heysta ugu baaqay in ay u soo gurmadaan walaalahooda dhibaateysan, si loo bad baadiyo dadka dhimanaya.

Abaaraha ku dhuftay Soomaaliya oo isu bedelay macluul, ayaa waxay dadka bilaabeen in ay macluul ugu geeriyoodaan degaanada miyiga, Dadka ay Abaaruhu saameeyeen oo u badan Beeraley iyo xoolo dhaqato, ayaa wixii ay haysteen waxaa ay ku waayeen Abaaraha 

Afartan iyo labo ruux ayaa dhintay kuwo kale oo badanna dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii duqayn dhanka cirka ah lagu qaaday masaajid ku yaalla tuulo ay mucaaradku maamulaan oo ku taalla waqooyiga Suuriya, sida ay sheegeen kooxda la socota arrimaha xuquuqda aadanaha ee Suuriya.

Hirshabeel Maarso 17, 2017  Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Maamulka Hirshabelle Mahad Xuseen Cismaan ayaa sheegay in uu socdo qorshe lagu qaadayo howlgallo ka dhan ah Xarakada Al Shabaab.

Wasiir Mahad ayaa xusay in howlgalladan ay noqon doonaan kuwa la isugu furayo Magaalada Buuloburde iyo Degaanada kale ay gacanta ku hayaan Xoogaga Al Shabaab.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu cod dheer ku sheegay in qorshahooda ugu horeeya uu yahay sidii la isugu furi la haa Degaanada iyo Degmooyinka hoostaga Maamulka Hirshabelle.

Magaalada Buuloburde ee Gobolka Hiiraan ayaa in ka badan 10 sanno ku jirta go’doon waxaan tiro dhowr jeer ah la isku dayay in laga qaado go’doonkaasi balse ma aysan guuro gelin.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn shaaciyay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay go’doonka uga qaadi doonaan Magaalada Buuloburde ee Gobolka Hiiraan

Siiriya Maarso 17, 2017 Weerarka ayaa la sheegay in uu ka dhacay al-Jineh oo ka tirsan gobolka Xalab.

Kooxdan la socota xaaladda oo fadhigoodu yahay UK oo wararka ka hela dad ku sugan gudaha Suuriya ayaa sheegay in masaajidka la weeraray ay ka buuxeen dad tukanayay salaadda cishaha.

Kooxdani waxay sheegtay in dadka la dilay badan koodu ay ahaayeen shacab.

Tuuladan ayaa ku taalla mid ka mid ah deegaannada ugu waawayn ee ay mucaaradku Suuriya haystaan.

Ma cadda cidda sida rasmiga ah uga dambaysay weerarkan, laakiin diyaaradaha dagaalka ee Ruushka iyo kuwa Suuriya ayaa gobolkaas duulimaadyo ka sameeya.

Maraykanka ayaa sidoo kale duqaymo xagga cirka ah u gaysta dadka jihaad doonka ah ee deegaanadaas ku nool.

Weerarkan ayaa imaanaya maalin uun ka dib markii 31 ruux lagu dilay weerar qarax ah oo lagu bartilmaameedsaday dhismaha maxkamad ku taalla magaalada caasimadda ah ee Dimishiq.

Bamka Dimishiq lagu weeraray ayaa ku soo aaday lix sano guuradii ka soo wareegtay kacdoonkii lagaga soo horjeeday madaxweyne Bashar al-Asad

Intaas wixii ka dambeeyayna waxaa dagaalada ku dhintay 320,000 oo qof, waxaana ku baro kacay 11 milyan, sida ay sheegeen dadka xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqa

WARARKA MAANYA Maarso 16, 2017

Su’aasha Maanta: Maxay tahay sababta kaliftay inuu Diboloaamsi Abuukar Carmaan fashilo arrimo badan oo runta taabanay kaasoo quseeya hab dhaqanka dowladnimo ee dalka Soomaaliya iyo madaxdiisa kale duwan? Ma waxaa loo diiday inuu helo jaggo kale sida wasiirnimo ama jaggo kale oo dowladdeed? nala dhageysta hee war runta taabanaya oo loo soo jeediyey madaxda hadda joogta https://www.youtube.com/watch?v=V8D2zCvqP_E

Muqqdisho Maarso 16, 2017 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kulan la yeeshay Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, wuxuna kala hadlay dar-dar gelinta howlaha horyaala Xukuumadda oo ay hormuud u yihiin shaqaalaha Xafiisku.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyn ka dhageystay warbixinno la xiriira xaaladda ay ku shaqeeyaan howl-wadeenada, ku xigeenka Xog-yaha Joogtada iyo Agaasimeyaasha Waaxaha xafiiska, iyagoo sheegay in ay la shaqeyn doonaan Ra’iisul Wasaaraha Cusub, si loo meel mariyo barnaamijyada uu Xukuumadda ku hoggaamin doono.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in uu ka shaqayn doono sidii ay u heli lahaayeen Shaqaaluhu xuquuqdooda, iyagana lagula xisaabtami doono shaqada ay ummada u hayaan, ayna qeyb ka tahay qorshaha isla xisaabtanka ee Dawladda.

—-DHAMMAAD—-

UK Maarso 16, 2017 Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Kaguta Museveni oo horey u qaadacay Xafladdii Caleema-saarka Madaxweyne Farmaajo ayaa oggolaaday inuu ka qeyb galo Shirka Caalamiga ee looga hadlayo Taageeradda Samafalka iyo Ammaanka ee Somalia, kaasi oo bisha May 11-da ka furmi doona Caasimadda dalka Britain ee London.

Shirweynahaasi waxa uu daba joogaa Shirweynihii Caalamiga ee sannadkii 2013-kii lagu qabtay magaalladda London, oo looga hadlay Taageeradda Somalia.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain, Boris Johnson oo xalay 07:30 Fiidnimo ka degay Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Entebbe ee dalka Uganda, waxa uu la kulmay Madaxweyne Museveni, oo uu u gudbiyey Casuumaadaasi.
Madaxweyne Museveni iyo Xoghaye Johnsom oo si wadajir Shir Jaraa’id ugu qabtay Aqalka Dowladda ee magaalladda Entebbe waxa uu Johnson sheegay inuu Museveni ka oggolaaday inuu ka soo qeyb galo Shirweynaha London.

Waxa uu ku ammaanay Dadaalka ay Dowladda Ugnda ugu jirto Nabadda Somalia, isagoo xusay inay Ciiddanka Uganda ee UPDF kaalin muhiim ah kaga jiraan Hawlaha Nabadda Somalia.

6,000 oo Askar Ugandese ah ayaa qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM, kuwaasi oo ah Ciiddanka ugu badan ee hal dal ka socda ee qeybta ka ah Hawlgalkaasi.

Madaxweynaha Uganda ayaa sheegay inay ka wada hadleen Boris Johnson saamaynta uu Tallaabadii ay Britian kaga baxday EU-da ku yeeshay Hawlgalka AMISOM, iyadoo ay EU-da jareen 20% Taageeradda Dhaqaale ee ay siin jireen Hawlgalka AMISOM.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain, Boris Johnson waxaa la filayaa inuu maanta booqasho ku tago dalalka Ethiopia iyo Kenya, oo uu kala hadli doono Ammaanka Gobalka iyo Shirweynaha Arrimaha Somalia ee bisha May 11-da ka dhici doona London iyo Shirka Dowladaha ku bahoobay Ururka Barwaaq-sooranka (Commonwealth) oo la qaban doona bisha soo socota ee April.

Muqqdisho Maarso 16, 2017 Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa tilmaamay in macluumaad “xiiso leh” ay ka soo bixi doonaan todobaadyo gudahood kuwaas oo la xiriira eedaymaha sheegaya in Obama uu amray in si qarsoodi ah loola socdo taleefanada dhismaha Trump Tower intii lagu gudo jiray ol’olihii doorashadii sanadkii hore.

Trump oo waraysi siinaya Fox News ayaa sheegay in markii uu Twitterkiisa ku soo qoray in si qarsoodi ah loola socday hawlihiisa intaas macnaheedu ay ahayd in la basaasay iyada oo xeelado kala duwan la adeegsanayo.

Wuxuu sheegay in uu Congress-ka la wadaagi doono waxyaabo uusan faahfaahin ka bixinin uuna kalsooni ku qabo gudiga arrimaha sirdoonka u qaabilsan aqalkaas.

Laakiin Devin Nunes iyo Adam Schiff oo madax u ah gudigaas ayaa goor hore sheegay in wax caddayn ah u haynin sheegashada madaxweyne Donald Traump isla markaasna aysan iyagu rumaysnayn.

Madaxa laanta sirdoonka ee dalka Maraykanka ee FBI iyo hogaamiyaha Hay’adda Ammaanka Qaranka ee NSA ayaa waxay ka ogyihiin sheegi doona dhagaysi la samayn doono todobaadka soo socda.

Netherlands Maarso 16, 2017 Ra’iisalwasaaraha Netherlands Mark Rutte ayaa sheegay in shacabku ay doorteen jidkii daganaanshaha iyo ammaanka

Ra’iisalwasaaraha dalka Netherlands Mark Rutte ayaa sheegay in dalkiisu uu diiday dadka shacbiyadda khaladka ah raadinaya isaga oo u dabaaldagaya guushii baarlamaanka ee uu xisbigiisu ka gaaray doorashada.

Iyada oo la tiriyay codadka intooda badana xisbiga VVD ayaa si sahlan ugu guulaystay xisbiga ka soo horjeeda soo galootiga iyo Midawga Yurub ee Freedom Party ee uu hogaamiyo Geert Wilders.

Doorashadan waxaa loo arkayay in ay tijaabo u tahay taageerada ay haystaan xisbiyadda qiirada wadaninimo ay hayso ee ku soo badanaya dalalka Yurub oo dhan.

Wilders ayaa ku adkaystay in “guga wadaniyaddu” uu wali sii di’i doono. Geert Wilders ayaa sheegay in guusha xisbigiisu ay tahay “natiijo lagu faano”

Iyadoo la tiriyay 90% cododkii la dhiibtay xisbiga VVD ayaa ku guulaystay 33 ka mid ah 150kii kursi ee loo tartamayay, siddeed xubnood ayayna lumiyeen marka loo eego doorashadii hore.

Xisbiga Freedom Party ee Wilders ayaa kaalinta labaad galay waxayna ku guulaysteen 20 kursi waxayna heleen shan kursi oo dheeri ah, xisbiyada CDA iyo D66 ayaa ku soo dhaw oo iyaguna helay 19 kursi.

CAF Maarso 16, 2017 Guddoomiyaha Xiriirka K/cagta ee Jesiiradda Madagscar, Ahmed Ahmed ayaa loo doortay Guddoomiyaha cusub ee Xiriirka K/Cagta Afrika (The Confedertion of African Football), kadib, markii uu ka guuleystay Guddoomiyihii hore, Ciise Xayaatu oo u dhashay dalka Cameroun, oo muddo 29-sanno hayey Xilkaasi.

Doorashadaasi yaa waxay maanta ka dhacday Caasimadda dalk Ethiopia ee Addis Abeba, waxayna Labada Murashax kala heleen Ahmed Ahmed oo helay 34 cod, halka Ciise Xyatu ka helay 20-cod.

Guddoomiyaha laga guuleystay oo 71-jir waxa uu xilkaasi hayey tan iyo sannadkii 1988-dii, wuxuuna kaalin ka geystay Horumarinta K/cagta Afrika.
Guddoomiyaha cusub ee Xiriirka K/Cagta Afrika ( CAF), Ahmed Ahmed oo 57-jir ah waa Aabe leh 2-carruur, wuxuuna Suxufiyiinta u sheegay inuusan isku soo taagi lahaayen Xilkaasi, haddii uusan awoodi karin.

Dhinaca kale, Barta Twitter-ka ee Xiriirka K/cagta Afrika ee CAF ayaa la soo dhigay Natiijadda Doorashadda.

CAF

✔@CAF_Online

Results of the election: Ahmed Ahmed: 34 votes
Issa Hayatou: 20 votes #CAFGA2017

2:29 PM – 16 Mar 2017 · Giza, Egypt

Muqqdisho Maarso 16, 2017 Boqoradda Dalka Britain Queen Elizabeth ayaa dooneysa in Deeq Lacageed ay ku caawiso Malaayiinta Qof ee Abaaruhu ku saameeyeen Dalal ay ka mid tahay Soomaaliya.

Deeqdaan ay ku dhawaaqday Boqororadda Ingiriiska ayaa daba socota booqasho shalay Magaalada Muqdisho uu ku yimid Xoghayaha Arrimaha Dibadda UK Boris Johnson.

Malaayiin qof oo Soomaaliyeed ayaa walaac laga muujinayaa in ay wajahaan Macluul daran maadaama Abaaro xoogan ay ku dhufteen gudaha Dalka Soomaaliya.

Si kastaba Dowladda Britain ayaa Malaayiin Dollar Sanadkaan uga qeyb qaadaneysa Abaaraha ku dhuftay Dalka Soomaaliya.

Muqqdisho Maarso 16, 2017 Waxaa wali jira qilaaf hoose oo u dhaxeysa hogaanka sare ee Dowlada Federaalka kaa oo ku saabsan xilalka la magacaabaayo ee wasaaradaha

Ra iisale wasaare Xasan Cali Kheryre ayaa dajiyey shax wasiira ah oo loo bixiyey badbaadinta qaran Soomaliyeed

Waxuuna isbadal ku sameeyey habkii hore wasaardaha loogu qeybsan jira isagoona beesha Digil iyo Mirifle oo horay u qaban jirtay xilka wasiirka Maaliyada laga badalay si loogu magacaabo wasiirka arimaha dibadda taa oo siweyn u diidan yahay gudoomiyaha Barlamanaka federaalka mudan Jawaari. Ra iisal wasaraha ayaa doonaayo xilka Wasiirka Maaliyada u magacaabo shaqsi ka soo jeeda beesha Direed si aysan u dhicin musuq maasuqii badnaa ee dowladii ka horeyey hareeyey si taa looga hortago taana waxaa ku gacan seeray Mudane Jawaari oo isagu dhagan in loo magacaabo wasiirka Maliyada shaqsi uu isagu wato

Caawa la filayaa in la dhameeyo qilaafka hareeey hogaanka sare ee dowlada waxana la filayaa caawa ilaa bari in lagu dhawaaqo golaha wasiirada

Si kastaba ha ahatee madaxda sare dowlada ayaa ah inta badan kuwa qilaaf u horseedo hanaanka dowlada taana waxay keentaa in 4sano ay dowlad walba oo la soo dhisa qilaaf waqtigeeda ku dhameysato

Muqqdisho Maarso 16, 2017 Xaaladda abaaraha ee ka jirta dalka ayaa ah mid baahsan, safmar ah oo buuro, dul iyo bannaanba 637,000 km laba jibaaran, taasoo ka dhalatay roobab kii la filaayay 4 tii xilli ee la soo dhaafay oo la waayay ama si fiican aanan u da’in. Abaarta hadda ka jirta dalka waxay saamaynta ugu badan u geysatay xoolaha, beeraha iyo dadka waxayna sababtay biyo la’aan baahsan.

Roobka Gu’a (April-June) hadii uu da’o, waxaa sedex bilood oo kale lasugaya gurashadiisa, hadii uusan da’in ama yaraado qatar intaan ka badan ayaa laga baqaya sidii 2011

Waxaa in kabadan 3,63,000 oo caruur ah nafaqa daro haystaa oo ay kamid yihiin 71,000 oo aad udaran
Waxaa macluul ay ku bilaabatay in kabadan 2.9 malyuun oo qofood
Waxaa 3.3 malyuun oo qofood ay cunta yaraan daran haysataa
Waxaa ay galaafatay 70% xoolo nooc walba leh
Waxaa deegaanada qaar Koonfurta Soomaaliya ka dilaacay daacuun calooleed ay ku geeriyoodeen ilaa iyo 1630 qofood
Waxaa guray wabigii Shabeelle, haddana waxaa isna guri raba Jubba
Waxaa hoos u dhacay wax soo saarkii beeraha
Waxaa degaanadoodii ka barakacay 1.3 malyuun qofood oo hadda dul degan magoolooyinka waawayn
Isku celcelis waxaaa kaalmo u baahan in kabadan 6.2 malyuun qofood oo Soomaaliyeed
Natiijada ka dhalatay abaaraha

Dhimashada dadka oo bilaabatay cuduro iyo gaajo kadhalatay abaarta darteed
Dhimasho xoolaha ku timid calaf la’aan iyo biyo la’aan darteed.
Cuduro ku dhacay xoolaha
Barkacayaasha oo ku soo badanayo Magaalooyink waa wayn sida; Banadir, Garoowe, Baydhabo, Kismaayo, Beladwayne, Jowhar, Hargaysa, Cadaado, Gaalkacyo, Beledwayne iyo meela kale oo badan.

Dakhliga soo xerooday

Waxaa dowladda iyo dadkeedaba ku deqeen dhaqaale aanan ku filnayn baahida taagan oo aad u baaxadwayn owgeed lacagtaas oo dhan $1,318,492.34. Wuxuu Guddigu gaarsiiyay $935,000 Guddiyada Gurmadka Abaaraha ee Heer Deegaan iyo raashin.

Deeqaha la filaayo

Dowladda $9,935,840
Ganacsatada $3000,000
Dadwaynaha $1500,000
Qurba Joogta $7000,000
Wadarta guud ee lafilayo $21,435,840

Sidoo kale deeq bixiyayaasha iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka waxay wadaan dadaalo arrimaha abaaraha wax looga qabanaayo waxayna balan qadeen 482malyuun.

Hargaysa Maarso 16, 2017 Maxkamadda ku taalla xaafada Deeym ee magaalada Khartuum ayaa sii daysay fanaanka dhallinyarada ah ee Nimcaan Hillaac kadib markii uu bixiyey lacag ilaa 1,100 Dollar ah oo lagu ganaaxay.

Nimcaan Hilaac oo lagu eedeeyey inuu baal maray canshuur bixinta Dowladdu xaq ugu leedahay dadka munaasabadaha ku qabsada Suudaan ayey Ciidamo Boolis ahi xalay ka soo qabteen hoolka Jafaani oo ka ag dhaw Jaamacadda Mustaqbal halkaasi oo uu ka dhigaayey Bandhig faneed.

Xafladda ayaa Dowladda markii hore loogu sheegay inay tahay aroos Soomaali balse waxay soo ogaadeen inuu yahay Bandhig faneed.

Nimcaan qorshihiisa Suudaan waxa u harsanaa laba bandhig oo mid uu kala qayb galaayey Telefishanka fanka uruuriya ee Blue Nile.

Suudaan ayaa Soomaalida iyo fankoodaba aad u tixgeliya waxayna sidoo kale ilaaliyaan shuruucda in lagu dhawro siday ku soo baxaan.

WARARKA MAANYA Maarso 13, 2017

Su’aasha Maanta: Maxay tahay sababta qaraxyada ugu soo badanayaan Muqdisho? Maxaase loo siin layhay Ciidanka Xoogga mushaharaadkoodii la lunsaday? Maxay tahay shakiga weyn ee soo kala dhexgalay labada gole ee Shacabka? Maxayse labada gole wax uga qaban layihiin hay’addaha/shirkaddaha shisheeye ee dalka ku jooga sharci-darrada? Yaase u sharciyeeyey inay dhistaan dhul dad shacab leeyihiin?

Muqqdisho Maarso 13, 2017 Qaraxii ka dhacay Agagaarka Warshadii Hore ee Nacnaca waxaa loo adeegsaday Gaari Caasi ah, waxaana ku dhaawacmay 3 qof ,iyadoo uu ku dhintay Wadihii Gaariga.

Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay Dhaawaca Saddexda qof.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in sidoo kale Qaraxaasi uu ku dhintay ninkii Waday Gaariga.

Warar Madax banaan oo ay Risaala heshay ayaa sheegaya in khasaaraha in uu intaasi ka badan yahay.\

Muqqdisho Maarso 13, 2017 Maxkamadda Darajada 1-aad ee ciidamada Qalabka sida ayaa xukunno isugu jira dil iyo xabsi ku riday 3-qof oo loo heysto Qaraxii Suuqa Beerta ee degmada Waabari.

Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee ciidamada Qalabka sida ayaa sheegay in dadkaani ay ka dambeeyeen Qaraxii ay dadka badani ku dhinteen ee ka dhacay degmada Waabari sanadkii 2016 dii.

Maxkamadda ayaa horay u dhageysatay eedeymaha loo haystay dadkaasi.

waxaana ku jira dadka xukunka lagu riday ninkii waday Gaarigii ku qarxay Suuqa Beerta ee degmada Waabari.

Muqqdisho Maarso 13, 2017 Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Maxamed Aadan Axmed ayaa beeniyay oo waxba kama jiraan ku tilmaamay warar lagu faafiyay warbaahinta qaar oo lagu sheegay in uu iska casilay shaqada uu u hayo Qaranka.

S/Gaas Maxamed Aadan Axmed taliyaha ciidanka XDS ayaa Radio Muqdisho u sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwa aan sal la heyn ,islamarkaana uusan iscasilin.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in lala xisaabtami doono kuwa faafiyay Wararkaasi been abuurka ah.

Sidoo kale taliyaha ayaa carrabka ku adkeeyay in uu sii wadi doono shaqadiisa, islamarkaana uusan warkaasi beenta ah ka horjoogsandoonin gudashada waajibaadka Qaran.

Nairobi Maarso 13, 2017Wasiirka arimaha dibada dalka Kenya Amina Maxamed ayaa ka hor sheegtay Barlamaanka dalkeeda in amni darida ka jirta Soomaaliya ay ku qasabtay inay hakiyaan dhismihii safaradooda ee magaalada Muqdisho.

Amina Maxamed ayaa u sheegtay gudiga difaaca iyo arimaha dibada ee Barlamaanka dalkaasi in mashruuca dhismaha safarada Kenya soo bilaabmay bishii Agust sanadkii 2015ka waxana lagu waday in ladhamaystiro dhamaadka 2016-ka.

Iyadoo ka hor hadlaysay xubnaha Barlamaanka waxa ay tiri “gaabis ayaa ku yimid in aynu dhisno safaaradeeni Muqdisho kadib markii ay sii kordheen arimaha lidiga ku ah amaanka caasimada Soomaaliya balse waxaan idin xaqijinayaa in la dhamaystiray 35% dhismaha safarada”.

March 2014kii ayay ahayd markii ay Kenya sheegtay inay qorsheenayso dib u furashada safaradoodi Soomaaliya si ay u xoojiso xiriirkeedi diplomasiyadeed ay Somalia la leedahay.

Safarada Kenya ee Somalia ayaa si KMG uga howlgalaysay Nairobi inta aysan kusoo dhiiran dhowr safaaradood inay ka shaqeeyan Soomaliya kuwaa oo degay xarunta Xalane oo taliska ugu weyn ee AMISOM ah.

Kenya waxa ay kamid ahayd wadamadii safaradahoodi xiray ay Soomaali ku lahaayen sanadka 1990ki markii dagaal beeledyadu ka dilaaceen Muqdisho

Ciraaq Maarso 13, 2017 Ciidammada Ciraaq ayaa hadda maamula bariga magaalada Mosul iyo saddex meeloodow meel ka mid ah dhanka galbeedka

Dhammaan dagaalameyaasha kuwa isugu yeera Dawladda Islaamka ee ku sii sugan magaalada Mosul ee dalka ciraaq ayaa dhiman doona, sida uu sheegay ergayga Maraykanka u qaabilsan isku dubarididda dagaalkaas.

Brett McGurk, oo ah masuul sare oo ka tirsan xulafad la dagaalamaysa kooxda isugu yeerta Dawladda Islaamka ayaa soo saaray digniintan ka dib markii ciidammada Ciraaq ay jareen waddadii kali ahayd ee ka soo baxaysay magaaladaas, iyadoo la go’doomiyay dagaalaameyaashii Dawladda Islaamka ee halkaas ku sugnaa.

Dadkan jihaad doonka ah ayaa tan iyo 2014 haystay magaalada Mowsul oo ah caasimadda labaad ee dalka Ciraaq.

Laakiin ciidammada Ciraaq ayaa maareeyay in ay dib u qabsadaan goobo badan oo magaalasa ah iyaga oo waday dagaal dabo dheeraaday oo bilo qaatay.

Hadda waxay gacanta ku hayaan dhammaan bariga magaalada, weerarkan u dambeeyay ee uu Maraykanku gacanta ka gaysanayana wuxuu billawday shantii bishan, weerarkaas ayaana ku qasbay in kooxdan xagjirka ah ay isaga baxaan goobo muhiim ah oo galbeedka magaalada ku yaalla, kuwaas oo ay ka mid yihiin xarunta ugu wayn ee maamulka magaalada, iyo matxafka caanka ah ee Mosul

Guriceel Maarso 13, 2017 Degmada Gurceel ee Gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in nin la sheegay in Madax loogu jiray uu gorwacay xaaskiisa oo u haysay Todobo Caruur.

Maxamed Xaaji Cabdi Siyaad oo ah aabaha falkaan geystay ayaa la sheegay in uu gowracay xaaskisa oo lagu magacaabi jirey Canab File, waxayna u heystay Todobo caruur ah, waxayna sidoo kale aheyd hooyo qoyskeeda u shaqeynaysay.

Qaar kamid ah ehelada Haweeneyda uu Gowrcay Maxamed Xaaji Cabdi Siyaad ayaa sheegay in aysan aqoonin sababta ka dambeysay arintaan,islamarkaana ay la fajac san yihiin waxa uu sameeyay aabaha qoyska.

Ciidamada maamulka Ahlusuna Waljameeaca ee Degmada Gurceel ayaa gacanta ku dhigay ninka xaaskiisa Gowracay.

Waana mid kamid ah dhacdooyinka ka dhaca Gobolada dalka Soomaliya.

Muqdisho Maarso 13, 2017 Magaalada Garowe ee xarunta Gobolka Nugaal Ciidamadii Gadoodsanaa ee dhowaan la wareegay Kontroolka Koonfureed ee Magaalada Garowe ayaa la sheegay in halkaasi ay ka tageen.

Hoggaanka dhaqanka Magaalada Garowe oo dadaal dheer sameeyay ayaa sababtay in Ciidamadan lagu qanciyo in ay ku laabtaan xeryahooda, sida ay sheegeen wariyeyaasha ku sugan halkaasi.

Waxgaradka Gobolkaasi ayaa maalmihii dambe waxa ay wadeen dadaalo lagu qanciyay Ciidankan, maanta ayayna suura gashay, kadib markii Ciidanka loo sheegay inaan cabashadooda la xalin ilaa ay xeryahooda ku laabtaan, taasi ayaa sababtay in ay aqbalaan.

Saraakiisha hoggaamineysay Ciidanka la wareegay Kontoroolka Koonfureed ee Magaalada Garowe ayaa waxa ay sheegeen in aysan mushaar qaadan mudo ku dhow 9-aad bilood, waxayna taasi ku eedeeyeen Wasaaradda Maaliyadda Puntland, inkastoo Madaxda Puntland ay sheegeen in aysan jirin Ciidamo mushaar la’aan ah.

Gaadiidkii ku xanibnaa Kontoroolka Koonfureed ee Magaalada Garowe ayaa la sii daayay, kuwaasi oo si maalinle ah u geli jiray Magaalada sidoo kalena uga bixi jiray.

Ciidanka Daraawiishta Maamulka Puntland ayaa 8-dii bishan waxa ay la wareegeen Kontoroolka Koonfureed ee Magaalada Garowe, kadib markii ay sheegeen in ay u adkeysan waayeen mushaar la’aanta in mudo ah heysay

WARARKA MAANTA Maarso 12, 2017
Su’aasha Maanta: Maxay tahay sababta Raysal Wasaare Mudane Xassan Khayre ula kulmayo qaar kamid ah suxufiyiinta Muqdisho? Maxuuse Raysal Wasaaraha u rabaa inuu Wasiirka Warfaafinta ugu magacaabo aqoonyahay Dr. Badal Kaariye oo ah Milkiilaha leh Warbaahinta ugu badan ee Soomaaliya kana soo jeeda beesha Leelkase? Maxaa sababay saakay in Ciidanka Xoogga soo dhigtaan meelo badan oo Muqdisho dhexdeeda ah isbaarooyin? Waxaa bilaabatay fashilka Dowladda Wada Dadban ee ayaan dhaweed la soo doortay? Maxay u bixin layihiin mushaharada Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed ee aan wax mushahar ah la siin muddo dhowr bilood ah?
Muqdisho Maarso 12, 2017 Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Warqad u qoray Wasaarada Maaliyada waxa uuna ku amray in la bixiyo mushaarka shaqaalaha Dowlada gaar ahaan bishii Janaayo.

Lacagta halka bil ee Mushaarka la siinayo Shaqaalaha Dowlada ayaa sidoo kale la amray in laga jaro lacago qoondo ah oo loogu tala galay in laga jaro shaqaalaha dowlada laguna taageero lacagtaasi abaaraha.

Shaqaalaha Dowlada oo mudo ka badan 6-bil wax mushaar ah aan qaadan ayaa si weyn ugu farxay amarka kasoo baxay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, waxa ayna Shaqaalaha ka codsadeen Xukuumada cusub in u radaiso xaquuqda ka maqan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu ololaha ku jiray balan qaaday in wax badan ka qabanayo Mushaarka shaqaalaha iyo ciidanka dowlada hadii uu ku guuleesto xilka, waxaana laga war dhoorayaa sida uu Madaxweynaha uga soo baxo balantaasi.

Garaad Saleebaan oo hadlay

Muqdisho Maarso 12, 2017 Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Sababtii keentay in Puntland ay degaanada ka joojiso Tv-ga Afsoomaaliga ku hadla ee lagu magacaabo Universaltv.

Madaxweyne Gaas waxaa uu sheegay in Puntland aysan ogoleyn in la kiciyo dadka kunool degaanada maamulka Puntland ,islamarkaana khalalaaso laga abuuro.

Sidoo kale waxaa uu xusay in Universaltv uu degaanada maamulka Puntland ka waday kicinta Bulshada kunool degaanada maamulka Puntland.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Puntland aysan Saxaafadda Caburin laakiin cidii Sharciga kasoo tilaabta ay sharciga la tiigsan doonaan.

Maamulka Puntland ayaa dhawaan Albaabada u laabay xarumaha tvga Universal ee degaanada maamulka Puntland

Muqdisho Maarso 12, 2017 Odayaashaqa Dhaqanka, Siyaasiyiinta, iyo Waxgaradka Beesha Murusade oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa eedeyn u jeediyay Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir, Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ibraahim Iidle Suleymaan iyo Xildhibaan Nadiifo Faarax Jaamac oo ay ku eedeeyen in ay afduub ku heystaan nabadoon C/laahi Ibraahim Dhageey oo ay ka dhacayaan Dhul balaaran oo ku yaala duleedka Muqdisho.

Xildhibaan Nadiifo Faarax Jaamac oo Dhulboobka lagu eedeeyay

Kulanka ay maanta Muqdisho ku yeesheen ayeey fariin hanjabaad ah ugu direen Axmed Cali Daahir, iyo Xildhibaan Nadiifo Faarax Jaamac, iyagoo ugu hanjabay ugu dambeyntii in ay dagaal toos ah la gali doonaan hadii ay aqoonsan waayaan sharciga dalka.

Holland Iyo Turkey Maarso 12, 2017 Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa lagu xirayKaamirooyinka qarsoon ee loo yaqaan CCTV, iyadoo laga duulaayo suggida ammaanka iyo la socodka dhaq-dhaqaaqa kala duwan ee wadooyinka ay ku xiran tahay kaamiradaasi.

Ilaa hada dadka waxa ay hadal hayaan wadada Maka Al-Mukarama meelo ka mid ah oo lagu arkay baalayaal lagu xiray Kaamirada Qarsoon ee CCTV.

Laga soo bilaabo dhanka Tiyaatarka ilaa Isgoyska Soobe inta u dhaxeysa ayaa la suray baalayaasha lagu xiray Kaamirooyinka qarsoon ee CCTV, si halkaasi loogala socdo dhaq-dhaqaaqyada kala duwan ee la xiriira dhanka ammaanka.

Arintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo si weyn loogu diyaargaroobayo suggida ammaanka Magaalada Muqdisho oo maalinta Arbacada ah ay ka dhaceyso Doorashada Madaxweynaha dalka, waxaana si aad ah loo wadaa qorshooyin kala duwan oo la xiriira ammaanka caasimada.

Holland Iyo Turkey Maarso 12, 2017 Wasiirka Arimaha dibadda Turkey Mevlut Cavusoglu oo loo diiday ogolaanshaha inuu tago dalka Netherlands si uu halkaa ugula hadlo dadka Turkey-da codka dadweynaha loo qaadayo wax lama bedelka Dastuurka dalka Turkeyga.
Wasiirka Arimaha dibadda Turkey oo hor istaaga lagu sameeyay ku sheegay fadeexad dhinac walba oo laga eego kuna goodiyey inay ka jawaabayaan go’aanka dawladda Netherlands.

* Madaxweynaha Dalka Turkey Erdogan oo dhaqanka dawladda Netherlands ku sheegay inuu lamid yahay kii Nazi-ga Germany “Turkey president Erdogan calls Dutch government ‘fascists’ as tensions mount”

Hirshaabeele Maarso 12, 2017 Dhibaatada nabadgelyo darrada iyo khilaafku ka mid yihiin ee Soomaaliya ka dhextaagnaa dhawr iyo labaatankii sanno ee u dambeeyey ayaa dad badan oo Soomaaliyeed sababta koobaad waxa ay siiyaan dowladda Ethiopia iyagoo ku eedeeya faragelin, kala qoqobid, isku-dir iyo ragaadinba in ay ku hayso Soomaaliya iyo Soomaalida oo dhanba.

Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Cali Cosoble ayaa todobaadkii hore sheegay in Ethiopia ay hub iskugu dhiibto dadka ku dhaqan deegaanada maamulkiisa.

Sidoo kale Xildhibaano hadda jooga iyo wasiiro hore oo Soomaaliya xil uga soo qabtay ayaa sheegay in ay arkeen marar badan liis magacyo dad ah oo Ethiopia u soo gudbisay madaxweynayaasha Soomaaliya soo maray kuwaasi oo ay soo jeedinayaan in xil loo dhiibo oo ay qaarkood xilkii qabteen.

Ethiopia iyo Soomaaliya dagaalada khilaafka dhuleed iyo midka taariikheed ka sakaw waxay dagaalo toos ahi dhexmareen sannadihii 1964-kii iyo 1977-kii waxayna siyaasadda Soomaalida toos ugu lug yeesheen intii ka dambaysay Sannadkii 1988-kii oo ahayd markii dagaaladu dhexmareen jabhadii SNM iyo Dolwaddii Maxamed Siyaad Barre markaasi oo dadkii ka qaxay deegaanadii Waqooyiga Soomaaliya hadana ah Somaliland ay Ethiopia siisay deegaan iyo cunno. Inkasta oo dan badani dano siyaasadeed u arkaan. Iyo Ethiopia oo heshiisiin u qabatay Soomaalidii dhulkoodii isku soo dilay Iyo markii ay ciidamo Ethiopia ka socda gudaha u soo galeen Soomaaliya halkaasi oo ay kula dagaalameen maxaakiimtii islaamiga ahayd sidoo kalena burbur iyo dilba u gaysteen Muqdisho iyo dadkii shacabka ahaa Waxayna taasi sii xoojisay nacayb Soomaali badani u qabaan Ethiopia

Muqdisho Maarso 12, 2017Goob joogayaal ayaa ku waramay in Gaari yar oo nuuca raaxada ah uu qarxay xili uu saakay marayay meel ku dhaw shineemo super ee Degmada Xamar Weyne, waxaana qaraxan ku dhaawacmay labo qof oo midi tahay gabar mareysay wadad dhinaceeda.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in gaariga qarxay uu watay shaqaale katirsan Telefishinka Universal oo lagu magacaabo C/Xamiid Karzaay, waxaana qaraxan dhaawac uu gaarsiiyay ninkan katirsana Farsamayaqaanada Tv-ga Universal.

Qaraxyada gaadiidka la isugu xiro ayaa mudooyinkan kusoo kordhayay magaalada Muqdisho, qaraxan ayaana inta badan waxyyeelo xoogan gaarsiiya darawalka wata gaariga lagu xiro.

Berbera Maarso 12, 2017 Shaqaalaha Dekedda Magaalada Berbera ayaa Saaka waxaa ay sameeyeen Banaanbax weyn oo ay kaga soo horjeedaan Shirkadda la wareegtay Dekedda Berbera oo shaqaalaha ku Wargelisay in ay ku shaqeeyaan Mushaar Hoose.

Boqolaal ka mid ah Shaqaalaha Dekedda ayaa Sameeyay Banaanbaxweyn oo ay ka qeyb galeen Qeybaha kala duwan ee Bulshada kunool Magaalada Berbera.

Madaxda Somaliland ayaa horay u sheegay in Shaqaalaha Dekedda aysan shaqada ka tagi doonin ,islamarkaana aysan ku shaqeyn doonin Mushaar Hoose.

Shaqaalaha Banaanbaxa dhigayay ayaa waxaa ay ahaayeen qeybta Farsamadda .

Sidoo kale Ciidamada Ammaanka maamulka Somaliland ayaa lasoo sheegaya in ay xabado u adeegsadeen dadka Banaanbaxa dhigaayay sida ay sheegeen dadka ku sugan Berbera.

Dhankale Ciidamada maamulka Somaliland ayaa Xabsiga dhigay Wariye Khadar Cabdirisaaq oo iskudayay in uu Wareysto Shaqaalaha banaanbaxa Sameynaayay.

Muqdisho Maarso 12, 2017 Dhulka uu Ra iisal wasaraha soo celinaayo ayaa ka.mid ah dhulka weyn ee tarbuu ka ee dowladii kacaanka gaardiskamku mari jirtay iyo dgulkii uu uubsaday ay la heyd ciidanka asluybta taliyahii hore ee Asluubta  dowladii kacaanka  kaa oo ka saxiisay dowladii kmgka aheyd uubhogaaminaayey Sheikh shariif isagoona shacab ka iibiyey dhulkaa qaranka Soomaliyeed   lahaa

WARARKA MAANTA Maarso 11, 2017

Su’aasha Maanta: Maxay tahay sababta loo jabsaday Xafiiska Hanti Dhowrka Qaranka oo ku dhex yaala Madaxtooyada SooWARARKA MAANTA Maarso 11, 2017

Su’aasha Maanta: Maxay tahay sababta loo jabsaday Xafiiska Hanti Dhowrka Qaranka oo ku dhex yaala Madaxtooyada Soomaaliya “Villa Somalia”? Waxaa sabab u ah dad aan aqoon u lahayn Hoggaanka Iyo Daba-Galka Hawlaha Baarrista Iyo Xafidida Sirta Dowladda ay masuul ka yihiin laamaha amniga gaar ahaan Hay’adda Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed? Waa nasiib-darro weyn qof aan waligiis ka soo bixin barashadda hawlaha amniga gudaha dalka iyo dibaddaba ay madax ka wada yihiin Hay’adda Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed kuwaasoo intooda badan aan waligood soo marin tababar la xiriira hawlaha amniga qaranka iyo daba-galka shisheeyaha ku dhex nool gudaha dalka. Waxaanu Ummadda Soomaaliyeed u caddaynaynaa in aan hayno koobiyadii faylasha la xaday oo dhan isla-markaasna aan ka wada dhigi doono Online si ay Ummadda Soomaaliyeed u ogaato dadka musuqmaasuqa baahsan galay iyo hay’addaha la la xiriirinayo inay maalgaliyaan musuqmaasuqa ka dhex-jira gudaha Soomaaliya. Beeni raad ma leh ee yaa runta ka qarin kara Ummadda Soomaaliyeed!

Maraykanka Maarso 11, 2017 Madaxweynaha Maraykanka ayaa hadalkaasi ku sheegay mar uu Khadka Telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabaas Abu Maasim.

Afhayeenka Maamulka Falastiin, Nabiil Abu Rudeynah ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka Falastiin ee WAFA inuu Madaxweyne Cabaas sida ugu dhaqsaha badan u booqan ddoono Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka.

Labada Hoggaamiye ayaa la filayaa inay isla eegaan qaabka loo soo noolewyn karo Wada-xaajoodka Falastiin iyo Yuhuudda.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay inuu Donald Trump ku casuumay Maxamuud Cabaas Kulan waqtiga ugu dhow ku yeelan doonaan Washington.

Madaxweyne Trump waxa uu bishii hore la kulmay Ra’isul-wasaaraha Yuhuudda, Benjamiin Netayahu, wuxuuna tilmaamay inuusan xal u arkin Labo Dowladood oo ay kala yeeshaan Falastiin iyo Yuhuudda iyo inuu Safaaradda Maraykanka u wareejin doono magaalladda Quddusta La-haysto.

Muqdisho Maarso 11, 2017Lama oga cidda falkan ku kacday, laakiin waxaa loo badinayaa inay ka mid yihiin shaqaalaha iyo xubno awood ku leh gudaha madaxtooyada, taasoo xaaladda ka sii dhigeysa mid adag.

Hanti dhowrka aya howsha ugu adag e uu ku dhex jiray ahayd meeleynta lacag ku maqan xukumadii hore oo gaareysa 110 Milyan doolar, taasoo noqon kara arrinta ugu weyn ee laga shakin karo.

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kulan degdeg ah xalay la yeeshay Hanti-dhowrka Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale.

Kulanka ayaa looga hadlay wixii ka dhacay xafiiska Hantidhowrka iyo cidda ka danbeysay, waxaana madaxweyne Farmaajo uu amar ku bixiyay in baaritaan buuxa lagu sameeyo kiiskan oo ciddii uu ku lug yeelata la soo xiro.

Falkan ayaa xaalad kacsan ka dhaliyay Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo baaritaan ay wadaan ciidamada NISA iyo kuwa AMISOM.

https://www.youtube.com/watch?v=43EWBIzATUY

Qaramadda Midooway State Maarso 11, 2017 Madaxa hawlaha bani’aadminimada ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dunidu ay wajahayso dhibaatadii bani’aadminimo ee