Wararka 2019

WARARKA MAANTA 28ka Diseembar 2019 Sir Culus!
Su’aallaha Maanta: Yaa qarxinaaya #Muqdisho? Maxaase loo qarxin karin magaalooyinka kale? Maxaa loo qarxiyey Ex- Kontrool? Meeqo qof ayaa ku dhintay ama dhaawacmay? Maxuuse Taliyaha Booliska ugu diiday inay Warbaahinta si xor ah uga hadasho qaraxa Ex- Kontrool? Yaa dalka #Soomaaliya ka dhigay waddanka adduunka ugu musuqmaasuqa badan? Yaa dhacaya canshuurta #Muqdisho? Maxay Dowladda nabar iyo Naxdin muddo 3 sanno shilin Soomaali u isticmaali karin? Yaa Madaxweyne ka noqon doona #Soomaaliya kadib fashilka 4ta sanno ee Madaxweyne Mudane Farmaajo “Been-Hawaas” Iyo Raysal Wasaare Mudane Mudane Kheyre? Maxay beesha caalamka u diiday inay xukuummadda fashilantay ku darsato 2 sanno oo dheeraad ah? Maxay Dowladda Nabar Iyo Naxdin maalinta Arbacada wax u fulisaa? Yaa dhaca canshuur caasimadda #Muqdisho? Maxay weli wadooyinka/jidadka Muqdisho u xirxiran yihiin? Yaa waddanka #Soomaaliya ka dhigay waddanka adduunka ugu musuqmaasuqa badan Madaxweyne Farmaajo “Been-Hawaas”?
Muqdisho 28ka Diseembar 2019 Xildhibaannada Golaha Shacab-ka ayaa maanta oo Sabti ah kulankoodii caadiga ah isugu uga dooddi doona sharciga Doorashooyinka Qaran ee dhawaan loo gudbiyay. Xildhibaannada ayaa sharcigan siweyn ugu kala aragti-duwan sharcigan oo qaarkood ay ku tilmaameen in uu yahay mid hal dhinac oo kale u daneynaya, laakiin aan ku qotomin rabitaa shacabka ee ah awood doorasho dib gacantooda loogu celiyo.
Balse waxaa dhinaca kale jira xildhibaanno iyaguna difaaca sharcigan oo u arka in uu yahay mid ay tahay sidiisa loo ansixiyo.
Madaxda ugu sarreysa dalka ayaa iyagu dhankoda u muuqda kuwo kalsooni badan ku qaba sharcigan hor yaala Baarlamaanka iyaga oo ugu baaqay xildhibaannada in waajibkooda ka gutaan kaddibna la galiyo codka kalsoonida.
Muqdisho 28ka Diseembar 2019 Wasiirkii hore ee amniga gudaha, Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, haatana ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ayaa ka hadlay qaraxii saaka ka dhacay isgoyska Ex-koonyarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.
Xildhibaanka oo qoraal kooban soo dhigay barta fariimaha gaagaaban ee Twitter-ka ayaa shaaciyey in qaraxaasi ay ku dhinteen dad kor u dgaafaya 90 qof oo badan rayid.
Wasiirkii hore ee amniga ayaa sidoo kale kala saaray tirada dadka dhintay, wuxuu tilmaamay 73 qof ay haayeen shacab, halka 17 ay ka tirsanaayeen ciidanka Booliska.
Sidoo kale wuuxuu intaasi in qaraxii saaka ay ku dhinteen illaa afar ajaaniib ahaa, inkastoo uusan sheegin dalka ay ka soo jeedaan. Weli dowladda Soomaaliya ma shaacin khasaaraha ka dhashay weerarkaan ismiidaamiinta ahaa, balse guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Cumar Filish ayaa sheegay in khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca uu aad u badan yahay .
Sidoo kale Duqa Muqdisho ayaa xusay in weerarkaan la damacsanaa in laga fuliyo Caasimada, si loola beegsado xarumo iyo mas’uuliyiin muhuum ah.
Xaaladda ayaa haatan ah mid degan, iyadoona uu burbur xoogan soo gaaray dhismayaashii ku yaallay halkaasi.
Muqdisho 28ka Diseembar 2019 Qaar ka mid ah xildhibaannada Madasha Xisbiyada Qaran ayaa shir xasaasi ah oo looga arrinsanaayo sharciga doorashooyinka iyo xaaladda kala guurka ah ee dalka maanta ku yeeshay xaruntooda KMG ah ee Muqdisho.
Kulankan ayaa waxaa shir guddoomiyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, oo ah hoggaamiyaha Madasha, waxaana sidoo kale ka qeyb galay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo hadda ah guddoomiyaha xisbiga UPD.
Madasha Xisbiyada Qaran ayaa walaac ka muujiyey islamarkaana aad uga soo horjeeda qodobka 53-aad ee sharciga doorashooyinka qaranka, kaasi oo muddo kordhin siin karo xildhibaanada, haddii la ansixiyo.
Qodobkaas, ayaa waxaa ku qoran in haddii ay keenaan duruufo, sida amni darro baahsan oo dalka ka dhacda, uu baarlamanka waqtiga kororsano karo muddo lix bilood ah. Madasha Xisbiyada Qaran ayaa dooneysa in qodobkaas laga saaro sharciga doorashooyinka, waxaana ay qorsheynayaan inay mooshin ka keenaan, sida xubno ka mid ah ay u sheegeen Warbaahinta.
addaba maxaa ku qoran qodobka 53-aad ee sharciga doorahsooyinka:
Qodobka 53-aad: Dib-u-dhaca Doorashooyinka
1. Muddada xilhaynta Goleyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo madaxda la doortay wuxuu shacabku u idmaday muddo cayiman oo ku xadiddan Qodobbada 60aad iyo 91aad ee Dastuurka;
2. Muddada qabashada doorashooyinka heer federaal waxay dib ugu dhici kartaa oo keliya haddii ay jiraan daruufo adag oo saameeya dalka oo dhan ama kala bar oo aan suurtagal ka dhigayn in doorasho la qabto;
Daruufaha adag ee ku xusan faqradda 2aad ee qodobkan waxaa ka mid ah:
a. Nabadgelyo-darro baahsan oo dalka dhan ka dhacdo;
b. Aafooyinka dabiiciga ah sida dhulgariirka, cudurada faafa, abaarro, fatahaado wabiyada, daadad xoog badan iyo duufaanno; iyo
c. Arrimo farsamo oo aan la’aantood doorashada qabsoomi karin. Xaaladaha lagu soo sheegay faqaradda 3aad ee qodobkan haddii ay ku kooban tahay hal degmo, gobol ama dowlad goboleed iyo wax ka yar kala bar dalka, dib-u-dhaca doorashadu wuxuu saameynayaa keliya goobaha lagu xusay faqraddan. GMDQ marka ay qiimeeyaan daruufaha ku xusan faqradda 3aad ee qodobkan iyo muddada uga degdegsan ee lagaga bixi karo, waxay warbixintooda oo sababeysan kuna caddahay baaxadda ay duraafaha saameeyeen oo jadwal-shaqana leh u soo gudbinayaan Goleyaasha Baarlamaanka Federaalka si ay go’aan uga gaaraan. GMDQ waxay BFS ka codsan karaan muddada cusub ee doorashadu ku qabsoomi karto oo aan ka badnayn Lix (6) Bilood; Haddii xaaladaha ku xusan faqradda 3aad aan lagu xallin muddada ku xusan faqradda 6aad oo GMDQ caddeeyo ineysan doorashadu muddadaas ku qabsoomi karayn, xubnaha Goleyaasha 24 Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sii wadaya waajibaadkooda Dastuuriga ah ilaa doorashada laga qabto.
Muqdisho 28ka Diseembar 2019 Kooxo hubeysan ayaa saacadihii la soo dhaafay sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliyeed ku dilay qeybo ka mid ah degmada Heliwaa ee gobobolka Banaadir.
Dilka oo ay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolado ayaa waxaa uu ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha ee maagaalada Muqdisho, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.
Al-Shabaab ayaa durbo sheegatay masuuliyadda dilka sarkaalkaasi, waxaana ay tilmaamtay in xoogagii fuliyey ay si aayar ah uga baxsadeen goobta.
Sidoo kale warka ka soo baxay kooxda Al-Shabaab lagu sheegay in sarkaalkaasi lagu magacaabi jiray Muxamed Isxaaq, islamarkaana uu ka howlgalayey xerada Iskuul Boliisiya, sida ay hadalka u dhigtay. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca sarakiisha ciidamada ammanaka, gaar ahaan kuwa Booliska oo ku aadan dilkaasi.
Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ku qaada askarta dowladda ee ku sugan magaalada Muqdisho, iyadoo u geysata dilal qorsheysan.
Dhowaan ayey aheyd markii labo askari ay ku dishay xaafadda Suuq Bacaad oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.
Muqdisho 28ka Diseembar 2019 Waxaa isa soo taraya khasaaraha rasmiga ee ka dhashay qaraxii ismiimaadiinta ahaa ee saaka aroortii hore ka dhacay isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo loo adeegsaday gaari nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 20 qof, siday warbaahinta u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.
Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ah labo Injineer oo Turki ah iyo seddex askari oo ilaalo u aheyd, kuwaas oo la socday gaari nooca aan xabada karin oo marayey halkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in bartilmaameedka weerarka uu ahaa iyagu, waxaana sidoo kale meesha ka agdhow xarun canshuuraha looga qaado gaadiidka isaga kala goosha waddada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Sidoo kale waxaa la xaqiijiyey in qaraxaasi ay ku dhinteen saddex askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda, kuwaas oo goobta ku sugnaa.
Khasaaraha ugu badan ayaa wuxuu soo gaaray dad shacab ahaa oo isugu jiray arday jaamacadeed oo la socday gaari Bus- ah iyo kuwa kale oo qaraxa la kulmay.
Weli saraakiisha ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya kama hadlin qaraxaan, waxaana goobta ku sugan ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliyeed.
Tan iyo markii la bilaabay dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye waxaa waddadaan ka dhacay weeraro kala duwan oo lagu qaaday Injineerada dhisaya waxaana sheegatay kooxda Al-Shabaab oo marar isku dayday inay is hortaagto dhismaha jidkaasi.
Muqdisho 28ka Diseembar 2019 Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Cumar Maxamed Maxamed (Filish) oo tegay isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ayaa ka warbixiyey qaraxii xooganaa ee saaka dhacay halkaasi.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in khasaara badan uu geystay qaraxa, islamarkaana ay weli socdaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan tirakoobka dadka ku waxyeeloobay.
Sidoo kale wuxuu sheegay in dhaawaca uu ka badan yahay 90 qof oo u badan dad rayid ah oo ka agdhawaa meesha uu ka dhacay qaraxaasi oo ahaa mid ismiidaamin ah.
Cumar Filish ayaa sidoo kale xaqiijiyey in dadka waxyeelada soo gaartay ay ka mid ahaayeen Injineero Ajnabi ah iyo arday badan oo la socotay gaari Bus ah. Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in ismiidaamiyaha uu damacsanaa inuu gudaha u soo galo magaalada Muqdisho, si uu u beegsado xarumo iyo mas’uuliyiin muhiim ah, balse ay ka hortageen ciidamada ammaanka oo uu u mahadceliyey guddoomiyuhu.
“Waxaan rabaa inaan halkaan uga mahadceliyo Ciidamadii amniga ee shafka u dhigay, dhagarbayaashu hagar daamada ay soo abaabuleen in ay u gudubto magaalada, waxaa ay doonayeen in uu u gudbo magaalada si goobo muhiim ah iyo mas’uuliyii muhiim ah loogu baabi’iyo.” ayuu yiru guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Cumar Filish.
Dhinaca kale isbitaallada Muqdisho, gaar ahaan midka Madiina ayaa waxaa la dhigay dhaawacyada ugu badan, waxaana isbitaalkaasi buux dhaafiyey shacab badan.
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana uu burbur xoogan soo gaaray dhismayaashii ku yaallay halkaasi.

WARARKA MAANTA 27ka Diseembar 2019 Sir Culus!

Su’aallaha Maanta: Yaa dalka #Soomaaliya ka dhigay waddanka adduunka ugu musuqmaasuqa badan? Yaa dhacaya canshuurta #Muqdisho? Maxay Dowladda nabar iyo Naxdin muddo 3 sanno shilin Soomaali u isticmaali karin? Yaa Madaxweyne ka noqon doona #Soomaaliya kadib fashilka 4ta sanno ee Madaxweyne Mudane Farmaajo “Been-Hawaas” Iyo Raysal Wasaare Mudane Mudane Kheyre? Maxay beesha caalamka u diiday inay xukuummadda fashilantay ku darsato 2 sanno oo dheeraad ah? Maxay Dowladda Nabar Iyo Naxdin maalinta Arbacada wax u fulisaa? Yaa dhaca canshuur caasimadda #Muqdisho? Maxay weli wadooyinka/jidadka Muqdisho u xirxiran yihiin? Yaa waddanka #Soomaaliya ka dhigay waddanka adduunka ugu musuqmaasuqa badan Madaxweyne Farmaajo “Been-Hawaas”? Hargaysa 27ka Diseembar 2019 Xoghayaha arrimaha gudaha ee xisbiga UCID Maxamuud Cali Ramaax ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii lagu eedeeyey in uu aflagaadeeyey gudoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland.   Ramaax oo inta aan la xidhin warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in baryahanba uu hanjabaado iyo cabsi galin lagu hayey, islamarkaana aanu xadhiga u arkeen wax weyn.   Taliyaha dambi baadhista ciidanka Booliska Faysal Xiis ayaa isna cadeeyey xadhiga Ramaax inuu jiro,isla markaana waxa uu xusay inuu ka soo dacwooday gudoomiyaha golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo uu u gaystay ceebeen iyo aflagaadeen.   “Maxamuud Cali Ramaax waxa lagu eedeeyey inuu aflagaadeen iyo ceebeen u gaystay gudoomiyaha golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax, waxanu ku yidhi gudoomiye Baashe waxa uu xidhiidh la leeyahay dad cadow ku ah Somaliland, gudoomiyaha Baarlamaankuna taas ayuu ka soo dacwooday isagoo shakhsi ah oo soo maray sifihii sharciga ahaa”ayuu yidhi Faysal Xiis.   Maamulka Dowladda Puntland 27ka Diseembar 2019 Puntland ayaa si rasmi ah ugu eedeysay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay mamaulkaas kusoo qaadday “dagaal dhinaca waxbarahsada.”   Afhayeenka Puntland, Jaamac Yuusuf Dabaraani oo ka warbixinayay shirka todobaadalaha ah ee Golaha Xukuumada Puntland ayaa sheegay in dawladda federaalka Soomaaliya ay weli waddo “dagaal ka dhan ah “oo la xiriira xagga waxbarashada.   Dabaraani ayaa sheegay in dawladda ay diiday inay shahaadooyinka siiso ardayda reer Puntland ee dhameysta dugsiyada sare.   “Meelihii ay wada-shaqaynta xagga waxbarashada la lahayd ayey dowladda u dirtay warqado ay ku hor istaagayaan ardayda Puntland, waxaana ka mid ah dalka Masar, dhawaana arinkaas darteed halkaas waxaa u tagay wasiirka waxbarashada Puntland, si arimahaas wax looga qabto, dhaqamada noocaas ah waa kuwa muujinaya in lala dirirayo Puntland dhinaca horumarka waxbarshada” Ayuu yiri Dabaraani.   Afhayeenku ayaa sidoo kale xusay in qodobadaas ay yihiin “kuwa baalmarsan” dastuurka Soomaaliya iyo heeshiisyadda ay horay u gaareen dawlafda dhexe iyo maamulada, waxa uuna tilmaamey in cawaaqib xumadda ka dhalata ay qaadan doonaan hogaanka dowladda federaalka   Xiisadda labada dhinac ayaa kasoo billaabatay markii Puntland ay diiday inay qeyb ka noqoto imtixaanka shahaadiga ah ee ay dejisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.   Si kastaba, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana laga soo doortay degaanada Puntland, ayaa 7-dii September sheegay khilaafka labada dhinac kadib markii ay la kulmeen Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya.   “Waxaa maanta xafiiskeyga kulan kula qaatay xildhibaanada ugu muhiimsan ee kasoo jeeda deegaanada Puntland…Waxaan kawada hadalnay sidii ardayda Puntland ee sannad dugsiyeedkii 2018/2019 imtixaankoodii la siyaasadeeyay ay u heli lahaayeen shahaadada Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaa farxad ii ah in ugu danbeyntii aan isla garannay xal oo aan dib idinkala wadaagi doono.” ayuu yiri wasiir Goodax oo hadlay kadib kulankaas.   Maamulka Dowladda Galmudug 27ka Diseembar 2019 Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug waxaa goor dhaw gaaray wafdi hordhac u ah booqasho la filayo in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu ku tago magaalada Dhuusamareeb.   Wafdiga gaaray Dhuusamareeb ayaa iskugu jira xubno ka tirsan shaqaalaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo ilaalada gaarka u ah Ra’iisul Wasaare Kheyre.   Ammaanka garoonka diyaaradaha iyo guud ahaan ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana sugida amniga iska kaashanaya ciidanka dowladda federaalka iyo kuwa AMISOM ee ku sugan gudaha iyo daafaha magaalada.   Waxaan wali si rasmi ah loo shaacin booqashada uu Ra’iisul wasaare Kheyre ku tagayo Dhuusamareeb, waxayna ku soo aadeysaa iyadoo khilaaf badani uu ka taaganyahay aqbalaadda 20-kii xildhibaan ee dowladdu u qoondeysay Ahlu-Sunna.   Jadwal ay hore u shaaciyeen guddiga farsamada doorashada Galmudug ayaa dib u dhac ku yimid iyadoo jadwal labaad oo ay dhowaan soo saareen uu u muuqdo mid aan ku hirgeli karin sidii loo qorsheeyay.   Waxaa jira weli cabasho ay muujinayaan qaar kamid ah beelaha Galmudug, taas oo ku aadan qaabka ay Ahlu-Sunna u soo xushay xubnihii laga siiyey baarlamaanka Galmudug.   Muqdisho 27ka Diseembar 2019 Wasiirkii hore ee batroolka Soomaaliya Maxamed Mukhtaar Ibraahim ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook kusoo bandhigay taariikho is-diidan oo la xiriira xilliga bixinta shatiyada shidaalka Soomaaliya, kuwaas oo lagu arkay qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka ee dhowaan lasoo bandhigay.   Waxaan u hambalyaynayaa Wasaaradda Qorsheynta iyo dhamaan intii ka so shaqeysay diyaarinta Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka.   Qorshaha oo ka kooban 400-bog, inta uu dhaxeysa bogga 226 – 228 waxaa looga hadlayaa arimaha shidaalka. Qoraalka waxaa ku jiro taariikho iska hor imaanaya, haddii aanan si fiican looga fikirina Soomaaliya u keeni karo culeys. Bogga 226, faqradiisa 10.1 waxa uu lee yahay “Dowladdu waxay qorsheyneysaa inay bixiso 15 xermo (blocks) 6-da bilood ee soo socota ka dibna kuwa kale loo bixiyo si joogto ah. Dowladda waxay haminaysaa inay bilowdo shati siinta sahaminta batroolka iyo macdantaka hor Maarso 2020.”   Sidoo kale qoraalka bogga 228, faqradiisa 10.3, xarafkiisa (ii) waxa uu lee yahay “Qabyo qoraalka sharciga Shidaalka waxaa la filayaa inuu diyaar noqdo ka hor Juun 2020.” Xermooyin shidaal ama heshiis shidaal lama geli karo ayada oo aanu soo dhamaystirmin Sharciga Shidaalka, sida daraadeed waxaa loo baahan yahay in labadaan taariikh la is waafajiyo.   Isla qoraalka bogga 228, faqradiisa 10.3, sadarka ugu danbeeyo waxa uu lee yahay “Soomaaliya waxay sidoo kale qorsheyneysaa inay dhisto Hay’adda Batroolka Soomaaliya iyo Shirkadda Batroolka Qaranka Soomaaliyeed, Hay’adda Macdanta Soomaaliya iyo Shirkadda Macdanta Soomaaliyeed hal sano kadib sharciga batroolka marka la ansixiyo.” Qabyo qoraalka Sharciga Shidaalka waxa uu sheegayaa in Hay’adda Batroolka Soomaaliya iyo Shirkadda Batroolka Qaranka Soomaaliyeed la sameeyo sanad gudahood marka sharciga la ansixiyo ee ma ah sanad kadib marka sharciga la ansixiyo.   Mida kale Qorshaha Qaranka waxa uu sheegayaa inay dowladda qorsheynayso inay bixiso shatiga sahminta shidaalka ka hor Maarso 2020 taas oo macnaheedu yahay in dowladdu bixin doonto shatiyo ka hor inta aanan la dhisin Hay’adda Batroolka Soomaaliya iyo Shirkadda Batroolka Qaranka Soomaaliyeed.   Waxaan rajaynayaa in qoraalka Qoshaha Qaran iyo qaab maamulka kheyraadka noo saxmaan.   Maamulka Dowladda Puntland 27ka Diseembar 2019 Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Dani ayaa caawa shacabka magaalada Garowe la qaatay kulan ay ku weydiinayeen su’aalaha ay qabaan kuwaas oo si toos ah uu uga jawaabayey Madaxweyne Dani.   Su’aalaha ay dadku weydiinayeen Madaxweyne Dani ayaa u badnaa arimaha doorashooyinka dalka tan dowladda dhexe iyo tan Puntland-ba iyo sidoo kale waxa uu salka ku hayo khilaafka Puntland kala dhexeeya dowladda federaalka, kaas oo xoogiisu soo jiray intii uu xaafiiska joogay Madaxweyne Dani.   Saciid Dani ayaa mid mid uga jawaabayey su’aalaha ay dadku weydiinayeen waxuuna sheegay in dowladda federaalku ay meel iska dhigtay wax wada guddoomin, isla markaana ay wax walba qasanyihiin, hadii ay ahaan laheyd qabya tirka dastuurka dalka, nuuca doorasho ee dalku aadayo oo aan wali cadeyn, wada shaqeyntii dowladda iyo dowladaha xubnaha ka ah iyo arimo kale.   Dani ayaa mar uu si gaar ah u dul istaagay waxa uu kala socdo arimaha doorashooyinka waxa uu yiri, “Doorashada federaalka diyaar garowga ugu badan waxaa laga rabaa Puntland ma ahan in laga rabo dowladda federaalka oo kaliya, mana jirto nidaam gaar ah oo aan hada leenahay waa inay ku dhacdaa doorashudu, sida madaxda qaar oo lahaa waa lagama maarmaan inay noqoto 4.5, anagu waxaan leenahay mudada yar ee aan heysano aan ka wada tashano sidii ay wax noogu hagaagi lahaayeen”.   Madaxweyne Dani ayaa la weydiiyey halka uu ku danbeeyey balan qaadkiisii ahaa inuu heshiisii doono Axmed Madoobe iyo madaxda dowladda federaalka, waxuuna ku jawaabay in dhawaan uu qorsheynayey inuu arintaas darteed Xamar u aado, balse uu ka baaqday kadib markii ay dowladdu shirkii wasiirrada maaliyadda dalka gogoshiisa dhigtay magaalada Kismaayo, halkaas oo Axmed Madoobe uu shirkaas ka furay, taas oo sida uu sheegay asaga ula muuqato inay Axmed Madoobe aqoonsatay dowladdu.   Mar wax laga weydiiyey arimaha waxbarashada Puntland ayuu yiri, “Arrinta waxbarashada dadka cabsida ka qaba maahi shahaadadii ayaa ardayda loo diiday anigu aqoon gooni ah ayaan u leeyahay, hadii qof Xamar jooga uu diido waxaa qabanaya qodob dastuuri ah, sidii loola xisaabtami lahaana Puntland ayey u taallaa, sharciga xaalad mastuur kama galeyno dad badan ayaa igula taliya ciyaalka u daney oo shahaadada ku raadi xaalad mastuur, taasna ma dhaceyso cid sharciga ka weyn ma jirto”   Hadalkan ayaa ku soo aadaya iyadoo kulankii maanta ee golaha wasiirrada Puntland laga sheeciyey in dowladda federaalku ay shahaadooyinkii dugsiyada sare u diiday ardayda deegaanada Puntland, sidoo kalena ay dowladda federaalku is hortaag ku sameysay deeqo waxbarasho oo Puntland ay ka heshay qaar ka mid ah dalalka caalamka.   https://www.transparency.org/country/SOM