Wararka

WARARKA MAANTA 14ka Luulyo, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa dastuurkii dalka beddeshay? Yaa diidan inay doorasho qabto wada-ogol ah? Yaa musuqmaasuq ugu weyn sameeya Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa boobay shacabka #Muqdisho Madxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” Iyo Qoysaskiisa? Yaa burburiyey ciidanka xoogga? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso!

Laascaanood  Luulyo 14ka, 2025 Senator Maxamed Cismaan Majiino oo ka mid ah masuuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Laascaanood oo shirweynaha dhameystirka dhismaha maamulka SSC Khaatumo uu ka socdo ayaa kulan wadatashi ah la qaatay hoggaanka dhaqanka iyo waxgaradka uu matalo.

Kulanka ayaa looga arrinsaday ahmiyadda ka qaybgalka iyo xoojinta dedaallada Dowladda ee ku aaddan dhameystirka Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo.

Muqdisho Luulyo 14ka, 2025 Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Soomaaliya, Cali Yuusuf Xoosh, ayaa sheegay in dib u dhiska Dowlad Goboleedka cusub ee SSC-Khaatumo uu xalin doono muranadii muddada dheer ka taagnaa gobollada Sool iyo Sanaag, kuwaas oo loo aqoonsanaa dhul lagu muransan yahay.

“Cid idin la murmi karta ma jirto. Idinkuna ha isgelinina muran,” ayuu yiri Wasiir Xoosh, oo maanta ka hadlayay furitaanka shirweynaha dhameystirka maamulka cusub ee SSC-Khaatumo.

Wasiir Xoosh ayaa caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda u garab taagan tahay maamulkan cusub, si uu uga gudbo caqabadaha haysta, una noqdo mid xasilloon oo ka turjumaya rabitaanka shacabka deegaanka.

“Waxaan idin xusuusinayaa in dhameystirka maamulka SSC-Khaatumo uu yahay himilo shacab, ma ahan arrin kooxeed ama mid siyaasadeed. Waa in loo midoobaa lana garab istaago maamulka cusub,” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Wasiirka wuxuu carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka ay aaminsan tahay in horumarka gobolladaan lagu gaari karo marka la helo maamul rasmi ah oo si dhab ah u matala danaha shacabka.

Wuxuu sheegay kaddib shirweynahan in Dowlad Goboleedka SSC Khaatumo uu si rasmi ah uga mid noqon doono Dowlad goboleedyada Soomaaliya ee katirsan Dowladda Federaalka.

Shirweynaha dhameystirka SSC-Khaatumo ayaa inta uu socdo waxaa lagu gorfeeyn doonaa arrimo ay ka mid yihiin, Qeybsiga awoodaha maamulka, Qaab-dhismeedka maamulka, Sameynta iyo ansixinta dastuurka iyo qabashada doorashada madaxweynaha.

Hirshabelle Luulyo 14ka, 2025  Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee kumaandoska Danab ayaa howlgal qorsheysnaa ku dilay mid ka mid ah horjoogeyaasha kooxda Al-shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Kumaandooska Danab ayaa howlgalka si gaar ah uga fuliyay deegaanka Toratorow ku dilay amiirkii kooxda u qaabilsana dhanka Zakakawaatka, kaasoo lagu magacaabi jiray Cabdulaahi Maxamed oo kooxda looga dhex yaqiinay Carab.

Warsaxafadeed kaso baxay Taliska ciidanka Kumaandooska Danab ayaa lagu sheegay in howlgalkaan uu ahaa mid guuleystay oo u dhacay sidii ay u qorsheeyeen ciidanka Kumaandooska Danab.

“Inta howlgalkan uu socdey ciidanka kummandoska danab gaar ahaan specialka danab waxay burburiyeen moota uu watey, waxay kaloo gacanta ku soo dhigeen ciidanka lacag fara badan iyo boonooyinkii uu ku baadi jirey shacabka deegaanka Toratorow”ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka kasoo baxay Taliska ciidanka Danab.

Howlgalkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo deegaanada dhaca gobolka Shabeellaha Hoose mudooyinkii dambe ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan ay kordhiyeen howlgalada ka dhanka ah Al-shabaabka ku sugan deegaanada gobolkaas.

New York Luulyo 14ka, 2025 omaaliya oo ku hadleysay magaca waddamada la isku yiraahdo A3+ (Aljeeriya, Guyana, Sierra Leone, iyo Soomaaliya) ayaa warbixin ka horjeedisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyada oo muujisay walaac xooggan oo ku saabsan xaaladda Yemen iyo colaadaha ka taagan gobolka.

Soomaaliya ayaa waxay si gaar ah uga digtay isku dhacyada cusub ee u dhexeeya Xuutiyiinta iyo Israa’iil, kuwaas oo ay ku tilmaantay inay khatar ku yihiin nabadda caalamka, isla markaana si toos ah ula xiriira dagaalka aan xal loo helin ee ka socda Marinka Qaza. A3+ waxay si adag u cambaareeyeen jebinta sharciga caalamiga ah, iyagoo ugu baaqay beesha caalamka in la gaaro xabbad-joojin degdeg ah oo waarta si wax looga qabto dhibaatada Falastiiniyiinta iyo looga hortago fidinta colaadda gobolka.

Waxay taageereen dadaallada diblomaasiyadeed ee ay hoggaaminayaan Mareykanka, Masar, iyo Qatar si loo sugo xabbad-joojin rasmi ah oo Qaza laga hirgeliyo, waxayna Golaha Ammaanka ugu baaqeen inuu garab istaago dhammaan dadaallada lagu xaqiijinayo xasilooni iyo wada-hadal miro dhal leh.

Sidoo kale, A3+ waxay cambaareeyeen weerarradii Xuutiyiintu la beegsadeen maraakiib ganacsi oo ka shaqeynayay Badda Cas, kuwaas oo ay ku sheegeen inay halis ku yihiin ganacsiga caalamka. Duqeymihii Israa’iil ka geysatay gobolka Hudaydah 6–7-dii Luulyo ayaa sidoo kale si adag loo dhaliilay, iyadoo loo arkay khatar weyn oo lagu gumaadi karo shacabka rayidka ah, loogana dhaxli karo fidinta colaado hor leh.

Dalalka A3+ waxay carrabka ku adkeeyeen in dhammaan dhinacyada isku haya Yemen ay ku waajibtahay inay ilaaliyaan sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimo, gaar ahaan Xeerka Afaraad ee Geneva, islamarkaana laga fogaado militareynta goobaha ay dadku ku badan yihiin.

Warbixinta ayaa sidoo kale muujisay walaac weyn oo laga qabo xaaladda bani’aadantinimo ee ka jirta Yemen, iyadoo la sheegay in cudurrada sida duumada, dengue, iyo shuban biyoodka ay ku furmeen dadka, taasoo cadaadis hor leh saartay nidaamka caafimaadka. Soomaaliya waxay taageertay baaqa OCHA ee ah in si degdeg ah loo gaaro Yemen lana fududeeyo marin u helka gargaarka.

WARARKA MAANTA 13ka Luulyo, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa wakhtiga ka dhammaanayaa? Yaa boobaya/dhacaya shacabka #Muqdisho? Yaa lacag uu xaday laga xanibay #Switzerland? Yaa dastuurkii dalka beddeshay? Yaa diidan inay doorasho qabto wada-ogol ah? Yaa musuqmaasuq ugu weyn sameeya Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa boobay shacabka #Muqdisho Madxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” Iyo Qoysaskiisa? Yaa burburiyey ciidanka xoogga? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso!

Muqdisho Luulyo 13ka, 2025 Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool waxaa ka bilowday Shirwaynaha Dhameystirka Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo.

Shirwaynaha Dhameystirka Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo ayaa waxaa Goobjoog ka ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Xidlhibaan Hon Ali Yusuf Ali – Xoosh ,  Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Mudane C/qaadir Firdhiye, Guddoomiye Ku Xigeenka Aqalka Sare Sen C/laahi Timacadde, Wasiirro ka tirsan & xildhibaan ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hoggaanka Dhaqanka SSC-Khaatumo, Ergooyinka ka socda SSC-Khaatumo iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Muqdisho, Luuliyo 13, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal qorsheysan oo xalay ay ka fuliyeen tuulada Buulo-xoog oo u dhow deegaanka Buq-Aqable ee gobolka Hiiraan, waxaa lagu dilay ilaa toddobo xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta, iyadoo howlgalka lagu burburiyay labo gaari oo nooca xamuulka ah oo waday hub iyo maleeshiyaad.

Sirdoonka Qaranka oo si dhow ula socday dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo maleeshiyaadka la socday ayaa Howlgalka fuliyay kaddib markii la hubiyay xogta Khawaarijta, waxaana beegsigu bilowday xilli gaadiidka iyo maleeshiyaadka la socday ay ka soo laabteen deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan kuna sii jeedeen deegaanka Buq-Aqable.

Howlgalka oo si guul ah kusoo dhammaaday ayaa la xaqiijiyay in goobta lagu soo afjaray gaadiid, hub iyo maleeshiyaad, waxaana jira muuqaalo caddeymo ah oo ay qabatay Kaamirada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka kuwaas oo bulshada Soomaaliyeed la wadaagi doonno si ay uga dhargaan jabka xooggan ee gaaray Khawaarijta.

Jubbaland State Luulyo 13ka, 2025 Taliyaha cusub ee Ciidanka Difaaca Kenya (KDF), Sarreeye Guuto David Keter, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay ciidamada Kenya ee ka howlgalaya gudaha Soomaaliya qaybta hawlgalka AUSSOM, si uu u qiimeeyo hawlgallada socda uguna dhiirrigeliyo moraalka ciidanka.

Sarreeye Guuto Keter ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Taliyaha Qaybta Labaad ee AUSSOM, Edward Banda, iyo Ku-xigeenka, Colonel Samson Kenga, Wafdiga ayaa booqday saldhigyada muhiimka ah ee ku yaalla magaalooyinka Dhobley, Afmadow iyo Kismaayo.

Intii lagu guda jiray booqashada, Lt. Gen. Keter wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay hawlgalka AUSSOM ee lagula dagaallamayo kooxda Al-Shabaab, xasillinta deegaannada la xoreeyay, iyo xoojinta awoodda ciidanka Soomaaliyeed si ay ula wareegaan amniga qaranka.

Taliye Banda ayaa soo dhaweynta taliyaha ku tilmaamay mid ku soo beegantay xilli habboon, taas oo kor u qaaday niyadda ciidanka. 

Waxa uu sidoo kale mar kale xaqiijiyay in Qaybta Labaad ee AUSSOM ay si buuxda uga go’an tahay gudashada waajibaadkeeda sida lagu sheegay war ay soo saareen AUSSOM.

Puntland State Luulyo 13ka, 2025  Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kasoo horjeestay aragtida ku saabsan in Puntland ay tahay mashruuc ka soo horjeeda Soomaalinimada, balse ay qayb weyn ka tahay dhismaha dowladnimada Soomaaliya. 

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in doorka ay Puntland ku leedahay hannaanka dowladeed ee Soomaaliya aan marnaba la iska indho tiri karin.

Dhinaca kale, madaxweyne Deni ayaa carrabka ku adkeeyay in Puntland ay difaaceyso dowladnimadeeda iyo dhulkeeda, isagoo xusay in ay jiraan cid uu ku tilmaamay “cadow” oo duulaan kusoo ah jiritaanka Puntland.

Si gaar ah ayuu u tilmaamay deegaanada loo yaqaan “gaari-waaga” ama meelaha ka baxsan laamiga ah, kuwaas oo uu sheegay inay yihiin bartilmaameedyo muhiim ah.

Sidoo kale, Deni ayaa sheegay in maamulka Puntland si dhaw ula socdo dadka uu ku eedeeyay inay hurinayaan falal dibin-daabyo ah oo lagu waxyeeleynayo midnimada Puntland, isagoo sheegay in tallaabo laga qaadi doono.

Hadalka madaxweynaha Puntland ayaa imaanaya xilli ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waddo qorshe lagu doonayo in gobollada Sanaag iyo Haylaan lagu biiriyo maamulka cusub ee SSC-Khaatumo.

Puntland ayaa si cad uga hor timid qorshahaasi, iyadoo sheegtay in gobolka Sanaag uu qeyb ka yahay dhulkeeda. Sidaas darteed, waxay ciidamo u dirtay gobolka Sanaag, iyadoo u diidday masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka in ay halkaas tagaan.

Dhamaan arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli maanta magaalada Laascaanood uu ka furmayo shirka dhameystirka maamulka SSC-Khaatumo, iyadoo la sheegay in isfaham laga gaaray khilaafkii hore u jiray.

Khaatumo State Luulyo 13ka, 2025 Waxaa maanta oo Axad ah lagu wadaa inuu si rasmi ah uga furmo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool shirweynaha dhamaystirka dhismaha maamulka SSC Khaatumo.

Shirkaan la filayo inuu furmo goordhaw oo manata ah ayaa imaanaya, iyadoo lagu guuleystay in xal laga gaaro khilaafkii xoogana maalmahan ka taagnaa siduu u furmi lahaa shirkaan lagu dhameystirayo dhismaha maamul goboleedka Khaatumo.

Shirkan ayaa diirada lagu saaraya hirgelinta hanaanka maamulka, dejinta habraacyo sharciyeed iyo diyaarinta dariiq loo maro dhismaha dastuurka maamulka cusub ee SSC Khaatumo.

Amaanka guud ee magaalada Laascaanood ayaa maanta si weyn loo adkeeyay, waxana wadooyinka waa weyn iyo goobta uu ka furmayo shirka la dhigay ciidamo aad u fara badan, kuwaas oo sugaya amaanka goobta shirka ka dhacayo.

Si kastaba ha ahaate shirweynahaan maanta furmi doono ayaa ka mid ah jadwal ay horay u dajisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, kaasoo lagu doonayo in geedi socodka dhismaha maamulka SSC Khaatumo lagu soo gabagabeeyo inta lagu guda jiro bishaan July ee 2025.

Ugu dambeyntii bulshada SSC Khaatumo iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ayaa maanta isha ku wada hayo natiijada ka soo bixi doonto shirkaan la filayo inuu maanta ka furmo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, iyadoo ay xusid mudan tahay in isimada deegaanadaas u kala jabeen laba garab oo kala taageersan hoggaanka maamulka SSC iyo kuwo taabacsan siyaasiyiinta iyo musharrixiinta Mucaaradka ah.

WARARKA MAANTA 12ka Luulyo, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa laba aqal heshiis been ah ka saxiixay? Yaa Soomaalida hantideeda ma-guurtada u saxiixay shisheeye? Yaa deegaankiisa nabad ka dhallin waayey oo safar been iyo bug ah ku dhammeeya lacagta dadweynaha? Yaa wakhtiga ka dhammaanayaa? Yaa boobaya/dhacaya shacabka #Muqdisho? Yaa lacag uu xaday laga xanibay #Switzerland? Yaa dastuurkii dalka beddeshay? Yaa diidan inay doorasho qabto wada-ogol ah? Yaa musuqmaasuq ugu weyn sameeya Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa boobay shacabka #Muqdisho Madxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” Iyo Qoysaskiisa? Yaa burburiyey ciidanka xoogga? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso!

Ankara Luulyo 12ka, 2025 Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga kulan kula yeeshay dhiggiisa Madaxwaynaha dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Rejeb Dayyib Erdogan.

Labada Madaxwayne ayaa isla soo qaaday arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka istaraatiijiga ah ee labada dal u dhexeeya, iyada oo si gaar ah diiradda loo saaray sare u qaadista iskaashiga dhanka amniga iyo ciribtirka Khawaarijta.

Hiiraan Luulyo 12ka, 2025 Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howgal qorsheysnaa oo ciidanka Macwisleeyda gobolka Hiiraan ka fuliyeen fariisin kooxda Al-shabaab ku laheyd deegaanka Dhurwaale ee gobolka Hiiraa

Howlgalkaan oo dhacay galinkii dambe ee Shalay ayaa lagu dilay ilaa Lix xubnood oo ka mid ahaa Maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku suganaa deegaanka Dhurwaale oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Halgan.

Ciidanka Macawiisleeyda ee howlgalkaan fuliyay ayaa sidoo kale la sheegay iney kooxda ka furteen qoryahii ay wateen xubnaha Al-shabaab ka tirsanaa ee howlgalka lagu dilay.

Sarkaal ka tirsan ciidankaan howlgalka fuliyay ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in howlgalkaan uu ahaa mid ay mudo qorsheynayeen, islamarkaana uu noqday mid u dhacay sidii ay ugu talo galeen.

Howlgalkaan khasaaraha lagu gaarsiiyay Al-shabaab ayaa kusoo aadaya, iyadoo kooxdu Isniintii lasoo dhaafay weerar qaraxyo Ismiidaamin ah ku bilaawday kula wareegtay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Khaatumo State Luulyo 12ka, 2025 Isimmada dhaqanka ee SSC-Khaatumo ayaa isku khilaafay shirweynaha lagu dhameystirayo dhismaha Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo, iyadoo shirkaasi la filayo inuu rasmi ahaan ka furmo magaalada Laascaanood maalinta berri ah.

Isimmada ayaa u kala jabay laba garab: Qaar waxay taageersan yihiin hoggaanka maamulka SSC, halka kuwa kalena ay dhinac yihiin siyaasiyiinta iyo musharraxiinta mucaaradka ah.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah garaadka guud ee deegaannada SSC  ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Laascaanood ku sheegay in aan lagu dhaqmi karin talo meel kale laga keenay. Wuxuu xusay in dadka deegaanka ay 15-kii sano ee la soo dhaafay ku jireen xukun dibadda laga keenay, taasina aysan mar dambe la aqbali karin.

“Waxaan 15 sano ka dagaalamayay talo meel kale ka timid, mana oggolaan karo in reer walaalahay ah aan ku sameeyo wixii aan ka soo horjeeday. Ma noqon karo mid qeyb ka ah arrintaas. Warsangeli waa walaalaheen, waa deriskeenna, dan baynu ka leennahay, daruufahuna waa inaga dhaxeeyaan. Uma qalmaan in aan nidhaahno annagaa idinka xulanayna,” ayuu yiri Garaad Jaamac.

Garaadku wuxuu sidoo kale hoosta ka xarriiqay in aanay jirin cid qasbi karta rabitaanka dadka SSC-Khaatumo, isagoo ku baaqay in talo qaran oo dhab ah la sameeyo. Wuxuu cabsi ka muujiyay in dib loogu celiyo SSC xaaladihii hore ee dhibaatooyinka ahaa, taasoo uu sheegay in aysan ka soo kaban karin.

Dhanka kale, madaxweynaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Cali Firdhiye, ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay qaar kamid ah Isimmada Sool iyo Sanaag, isaga oo kala hadlay qabanqaabada shirka berri furmaya. Isimmadaasi waxay taageersan yihiin in shirweynaha la qabto, wixii tabasho ahna si nabad ah dib loo eego.

Sidoo kale, xildhibaanada baarlamaanka SSC ayaa isna xalay shir ku yeeshay Laascaanood, iyaga oo ka doodayay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan qabsoomidda shirweynaha. Ilaa iyo hadda wax go’aan rasmi ah lagama soo saarin kulankooda.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa weli jira cabsi laga qabo in carqalado amni ay dib u dhigaan shirka berri, iyadoo musharraxiinta qaar ay si weyn uga soo horjeedaan qabsoomidda shirkan.

WARARKA MAANTA 11ka Luulyo, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa boobaya/dhacaya shacabka #Muqdisho? Yaa lacag uu xaday laga xanibay #Switzerland? Yaa dastuurkii dalka beddeshay? Yaa diidan inay doorasho qabto wada-ogol ah? Yaa musuqmaasuq ugu weyn sameeya Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa boobay shacabka #Muqdisho Madxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” Iyo Qoysaskiisa? Yaa burburiyey ciidanka xoogga? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso!

Muqdisho Luulyo 11ka, 2025 Madaxweyne ku-xigeenka dowlad-goboleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ay kawada hadleen in mashaariicda shirkadaha Turkida la geeyo degaanada Galmudug.

Kulankan oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhanka horumarinta iyo dib-u-dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha Galmudug. 

Labada mas’uul ayaa ka wadahadlay mashaariic muhiim ah oo ay ka mid yihiin dib u dhiska Dekedda Hobyo, wadooyinka muhiimka ah, iyo garoomada diyaaradaha ee ka jira deegaannada Galmudug.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa sheegay in Galmudug ay leedahay fursado badan oo maalgashi, islamarkaana ay jirto xaalad amni oo wanaagsan oo u saamaxaysa in shirkadaha gaarka loo leeyahay ay ka shaqeeyaan gudaha Galmudug.

Dhankiisa, Safiirka Turkiga Alper Aktaş ayaa soo dhoweeyay qorshaha Galmudug ee ku aaddan horumarka, wuxuuna ballan qaaday in Turkigu diyaar u yahay inuu xoojiyo taageerada uu siiyo Galmudug, gaar ahaan dhinacyada horumarinta iyo maalgashiga.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isla gartay in shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Turkiga lagu dhiirrigeliyo inay maalgashi toos ah ku sameeyaan Galmudug, iyagoo ka faa’iidaysanaya fursadaha iyo nabadgelyada ka jirta gobolka.

Soomaaliya iyo Jordan Luulyo 11ka, 2025 Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdulqaadir Cali, ayaa magaalada Cammaan ee dalka Jordan kaga qeybgalay daah-furka Istaraatiijiyadda Carabta ee Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga.

Munaasabaddan muhiimka ah oo ay kasoo qeyb-galeen wasiirro iyo masuuliyiin ka kala socday wadamada Carabta, ayaa lagu lafaguray doorka dhallinyaradu ku leeyihiin nabadeynta iyo horumarka dalalka gobolka.

Wasiir Maxamed Cabdulqaadir ayaa sidoo kale kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa Jordan, Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga, Yazan Shdeifat, Labada wasiir ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka labada dal, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray iskaashiga ku saabsan horumarinta dhallinyarada iyo cayaaraha.

Intii uu kulanku socday, Wasiir Yazan Shdeifat ayaa sheegay in sanadkan magaalada Cammaan loo doortay caasimadda dhallinyarada Carabta, isagoo xusay dadaallada ay dowladdiisu ku bixineyso martigelinta iyo taageeridda barnaamijyada dhallinyarada ee gobolka.

Dhankiisa, Wasiir Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa uga mahadceliyay dhiggiisa Jordan iyo dowladda Jordanian-ka sida diirran ee ay u soo dhoweeyeen isaga iyo wafdigiisa, Waxa uu bogaadiyay kaalinta muuqata ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ee Jordan ay ka qaadaneyso awoodsiinta iyo horumarinta dhallinyarada Carabta.

Muqdisho Luulyo 11ka, 2025 Waxaa si rasmi ah iskugu soo dhiibay ciidanka xoogga dalka gaar ahaan guutada 23-aad, Ururka 231 ee ciidanka xooga Soomaaliya , xubin ka tirsanaa kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Ninka isa soo dhiibay ayaa lagu magacaabaa Maxamed Xuseen Maxamed, wuxuuna sheegay inuu go’aankaas qaatay kadib markuu si qoto dheer u fahmay xadgudubyada iyo falalka arxan darrada ah ee kooxda Al-Shabaab ku hayaan shacabka, culimada, iyo masuuliyiinta dowliga ah.

Maxamed ayaa sidoo kale xusay in muddo uu si dhow ula socday falalka kooxda, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo si cad ugu xadgudbaya diinta Islaamka iyo anshaxa bini’aadantinimada, taasoo ku kalliftay inuu go’aansado inuu ka go’o kooxda.

Taliska ururka 231 ayaa si diirran u soo dhaweeyay talaabada uu qaaday Maxamed, iyagoo carrabka ku adkeeyay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay mar walba diyaar u yihiin inay fursad siiyaan cid kasta oo ka xumaanaysa fikirka xagjirka ah ee Al-Shabaab.

Wararka sidoo kale waxay sheegayaan in Maxamed Xuseen Maxamed lala yeeshay wareysiyo muhiim ah, kuwaas oo ay ka soo baxeen xog la xiriirta meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan kooxda, dhaqdhaqaaqyadooda, iyo qorshayaal ay wateen.

Taliyaha guutada 23-aad ayaa ku tilmaamay isdhiibidda Maxamed mid muujinaysa kala shakiga iyo kala fogaanshaha ka jira gudaha kooxda Al-Shabaab, isagoo intaas ku daray in ay rajeynayaan inay tallaabadan dhiirrigelin doonto xubno kale oo wali ku jira kooxda si ay isugu dhiibaan dowladda.

WARARKA MAANTA 10ka Luulyo, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee #Soomaaliya? Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” u rabaa inuu burburiyo Dowladda? Yaa boobaya/dhacaya shacabka #Muqdisho? Yaa lacag uu xaday laga xanibay #Switzerland? Yaa dastuurkii dalka beddeshay? Yaa diidan inay doorasho qabto wada-ogol ah? Yaa musuqmaasuq ugu weyn sameeya Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa boobay shacabka #Muqdisho Madxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” Iyo Qoysaskiisa? Yaa burburiyey ciidanka xoogga? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso!

Muqdisho Luulyo 10ka, 2025 Wasaaradda amniga gudaha Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bilaawday qorshe dib loogu furayo wadooyinka xiran ee ku yaala gudaha magaalada Muqdisho, si meesha looga saaro culeyska iyo ciriiriga ay wajahayaan shacabka iyo gaadiidleyda ku nool magaalada Muqdisho.

Wasiirka amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa kulan la qaatay guddiga loo xilsaaray in xal ka gaaraan saxmada iyo ciriiriga ka jira wadooyinka magaalada Muqdisho, kuwaas oo wasiirka la wadaagay warbixino la xariira xalka wadooyinka xiran.

Guddigan oo ka kooban Hay’addaha amniga, maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda Federaalka ayaa wasiirka u soo bandhigay dhibaatooyinka ka dhasha ciriiriga gaadiidka ee waddooyinka Muqdisho iyo sidii qiimeyn rasmi ah loogu sameyn lahaa wadooyinka xiran si dib loogu furo.

Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya ayaa faray guddigan iney si degdeg ah u bilaabaan howlaha, islamarkaasna soo diyaariyaan qorshe lagala soo tashaday hay’adaha amniga, gaadiidka, iyo maamulka degmooyinka gobolka Banaadir.

Qorshahaan dib loogu furayo wadooyinka xiran ayaa imaanaya, iyadoo mudo dhowr sano ah xiran yihiin wadooyinka loo yaqaan Jid cadayaasha Magaalada Muqdisho oo ay ku go’an dhagaxyo waa weyn, waxaana talaabadaasi horay dowladda u sheegtay iney la xariirto sidii loo xaqiijin lahaa Amniga guud ee magaalada Muqdisho. 

Muqdisho Luulyo 10ka, 2025 Golaha Fulinta ee Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa dhammaystiray dib-u-eegistii saddexaad ee barnaamijka deynta cafinta Soomaaliya, taasoo suurto-gelisay in si degdeg ah loo sii daayo lacag gaareysa $10 milyan.

Lacagtan ayaa loo adeegsanayaa taageerada miisaaniyadda dowladda si loo dardar-geliyo isbeddellada dhaqaale.

IMF waxay sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya uu wajahayo caqabado ay ka mid yihiin hoos u dhaca deeqaha caalamiga ah, cimilada oo is beddeshay, iyo hubanti la’aan sareysa. Waxaa la filayaa in koritaanka dhaqaalaha sannadka 2025 uu hoos ugu dhaco 3%, marka la barbardhigo 4% oo la qiyaasayo sannadkan 2024.

Si kastaba, IMF waxay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay si wanaagsan u waddo barnaamijka dib-u-habeynta dhaqaalaha, iyadoo xoogga la saarayo kobcinta dakhliga gudaha, maamulka maaliyadda dadweynaha, iyo sare u qaadidda kalsoonida dhaqaale. Waxaa sidoo kale la tilmaamay muhiimadda taageerada deeq-bixiyeyaasha si loo sii wado isbeddellada.

IMF waxay bogaadisay dadaalka dowladda ee lagu horumarinayo ururinta cashuuraha, casriyeynta kastamka, hirgelinta xeerka cusub ee cashuurta dakhliga, iyo maamulka lacagta iyo deymaha dowladda.

Sidoo kale, waxaa la ammaanay horumarka laga gaaray dhismaha awoodda Bangiga Dhexe iyo qorshaha dib loogu soo celinayo isticmaalka lacagta Shilinka Soomaaliga oo dalka intiisa badan aan la isticmaalin

Waxaa intaas dheer, IMF waxay sheegtay in Soomaaliya ay horumar ka samaysay sharciyeynta maamul wanaagga gaar ahaan dhanka batroolka, iyadoo muhiim la ah in si daahfuran loo maamulo khayraadkaas.

Somaliland Luulyo 10ka, 2025 Maamulka Somaliland ayaa sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay faragelisay gobollada Sool iyo Sanaag, taasina ay burburisay mabaadi’dii aasaaska u ahaa wadahadaladii u socday. Sidoo kale, waxa ay ka warbixisay waxay ay ka yeelayso isfahankii dhexmaray Itoobiya.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi (Looge), oo waraysi gaar ah siiyay Galaydh Media, ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in wadahadaladu ay xal u noqon karaan is-fahan xumada ka dhexaysa Somaliland iyo Soomaaliya, balse dowladda federaalku ay ka baxday ballanqaadyadii.

“Waxaan aaminsanahay in wadahadaladu ay xal u noqon karaan mashaakilaadka ballaadhan ee inaga iyo Soomaaliya ka dhexeeya, laakiin nasiib-darro weyn bay tahay in xukuumadda fadhida Muqdisho ay baabiisay mabaadi’dii aasaaska u ahayd wadahadalka,” ayuu yidhi Wasiir Looge.

Waxa uu intaa ku daray in heshiiska wadahadallada sii wadistooda uu saldhig u ahaa in dowladda Soomaaliya aanay faragelin xuduudihii Ingiriisku u dhigay Somaliland, isla markaana labada dhinac ay u wada hadlaan si siman, balse dowladda Soomaaliya ay ku xadgudubtay arrintaas.

“Wadahadallada aasaaskoodu waxa uu ahaa in ay wada hadlaan laba dhinac oo kala ah Somaliland iyo Soomaaliya. Marka mabaadi’dii ay ku fadhiday oo ahayd in si siman loo wada hadlo ayay Soomaaliya burburisay. Laascaanood ayay timid, dagaal bay ka riday, Sanaagna waa aynu ognahay. Sidaas darteed, maanta dariiqii wadahadal lagu tagi lahaa nooma muuqdo,” ayuu yidhi Wasiir Looge.

Wadahadallada Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa socday muddo tobanaan sano ah, hase yeeshee ilaa hadda lagama gaadhin wax natiijo ah oo la taaban karo.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay sii wadista is-fahankii u dhexeeyay Somaliland iyo Itoobiya. Waxa uu sheegay in Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, uu dhawaan safar ku tagi doono Addis Ababa, halkaas oo uu kula kulmi doono Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, si ay uga wadahadlaan xidhiidhka labada dhinac, heshiisyada suurto-galka ah, iyo waxa laga yeelayo is-fahankii sannadkii hore dhexmaray Hargeysa iyo Addis Ababa.

Hadalka Wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli ay warbaahinta qaar sheegayaan in uu burburay heshiiskii Ankara ku dhexmaray madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo ilaa hadda aan la hirgelin tan iyo markii markii la shaaciyay.

Sidoo kale, waxaa dhawaan dib u cusboonaysiiyay xidhiidhkooda dowladdaha Soomaaliya iyo Masar,  labada dhinacba ayaa ka midaysan diidmadooda in Itoobiya ay joogitaan ka hesho Badda Cas – arrintaasi oo laga yaabo inay markale mugdi geliso xidhiidhka u dhexeeya Addis Ababa iyo Muqdisho.

WARARKA MAANTA 8da Luulyo, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” u rabaa inuu burburiyo Dowladda? Yaa boobaya/dhacaya shacabka #Muqdisho? Yaa lacag uu xaday laga xanibay #Switzerland? Yaa dastuurkii dalka beddeshay? Yaa diidan inay doorasho qabto wada-ogol ah? Yaa musuqmaasuq ugu weyn sameeya Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa boobay shacabka #Muqdisho Madxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” Iyo Qoysaskiisa? Yaa burburiyey ciidanka xoogga? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso!

Baydhabo Luulyo 8da, 2025 Dhawaan magaalada Baydhabo, 25 saxafyiin gabdho ah oo ka socday Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa ka qayb qaatay tabobar laba maalmood socday oo ay taageertay Qaramada Midoobey. Tabobarkan oo uu soo qaban qaabiyay Ururka Haweenka Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMWA waxaa ujeedkiisu ahaa xoojinta xirfaddooda iyo wacyigooda ku aaddan bad qabka jireed iyo midka dhijitalka ee la xiriira gudashada waajibkooda shaqo.

DDSI Luulyo 8da, 2025 ‎Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxumed Cumar, ayaa furay qiimaynta warbixinta wax-qabadka xafiisyada heer deegaan iyo maamulada gobollada deegaanka ee sanad-miisaaniyeedka 2017-ka T.I.

‎Qiimayntan oo socon doonta muddo 4 maalmood ah, ayaa diiradda lagu saarayaa mashaariicda la fuliyey laga bilaabo bishii Hamle 2016 ilaa Sane 2017-ka T.I. Waxaana lagu bilaabay warbixinta wax-qabadka Xafiiska Xoolaha.

Moqokori  Luulyo 8da, 2025 Xaalada degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa saaka ah mid degan, kadib dagaalo culus oo Shalay ilaa Xalay ku dhexmaray gudaha iyo daafaha magaaladaas ciidanka dowladda iyo kuwa Macawiisleyda oo dhinac ah iyo kuwa Al-shabaab. 

Sadax sano kadib kooxda Al-shabaab ayaa Xalay u aheyd habeenkii ugu horeysay oo ay ku hoydaan degmada Moqokori, waxaana saakay halkaasi ciidamada iskaashanaya ka wadaan abaabulkii ugu dambeeyay oo ay ku doonayaan inay dib ugu qabsadaan magaalada Moqokori ee gobolka Hiiraan

Waxaa aad u adag si dhab ah loo helo xogta rasmiga ah ee degmada Moqokori, maadama in isgaarsiinta guud ee magaalada Moqokori iyo deegaanada hoos yimaada ay go’antahay, islamarkaana ciidanka is kaashanaya aysan ka fogeyn Moqokori. 

Ciidamo aad u tira badan oo gurmad u ah Macawiisleyda ayaa saacadahii lasoo dhaafay ka ambabaxay magaalooyinka ay ka kooban tahay Hiiraan, kuwaas oo xoojinaya ciidamada deegaanka ee dagaalka culus kula jira Al-shabaab. 

Si kastaba ha ahaatee degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa ah degmo muhiim ah oo istaraatiiji ah iskuna xirta gobolada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.

Ugu dambeyntii Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka Hiiraan ayaa qabasashada Al-shabaab ee degmada Moqokori ku eedeeyay iney la xariirto gaabis ka yimid dhanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

IGAD Luulyo 8da, 2025 Madaxweynihii hore ee dowlad-goboleedka Hirshabeelle ahna Ku xigeenka Xog-hayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD, Maxamed Cabdi Waare, ayaa si adag uga hadlay xaaladda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo ku eedeeyay dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada qaar in ay ka jeesteen dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada, isla markaana uu dagaalkii qaran ee kooxdaas lala galay kusoo ururay hal deegaan oo keliya.

Qoraal uu Waare ku daabacay bartiisa X (Twitter), ayuu ku muujiyay niyad-jab ballaaran oo la xiriira sida looga jeestay dagaalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab, isagoo sheegay in kooxdaasi hadda fursad u heshay inay dib isu abaabusho, halka dowladda ay ku mashquulsan tahay arrimo Siyaasad ah.

“Sadex sano kahor waxaan iri ‘Waxaan kaga adkaanay Al-Shabaab dhanka dagaalka,  Maanta, jawaabta way muuqataa,” ayuu yiri Waare.

Waare ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan, oo uu sheegay in uu yahay meelaha kooban ee weli dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab si dhab ah uga socda. 

Wuxuu xusay in maleeshiyada Al-Shabaab ay kasoo kala yimaadeen deegaanno fog sida Jubbaland iyo Koonfur Galbeed si ay xooggooda isugu geeyaan Moqokori taasoo muujinaysa sida ay kooxdaasi u aragto muhiimadda dagaalka halkaas.

“Uma muuqato in dalka intiisa kale uu ka jiro dagaal dhab ah oo ka dhan ah Al-Shabaab, Dadka intiisa kale waxay u muuqdaan kuwo ka jeestay ama indhaha ka laabtay dhibka shacabka reer Hiiraan,” ayuu yiri Waare.

Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle wuxuu sheegay in ay si cad u muuqato in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uusan hadda ahayn mudnaanta koowaad ee dowladda ama saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya la leh iskaashi amni.

Maxamed Cabdi Waare wuxuu ku baaqay in la joojiyo waxa uu ku tilmaamay “mashquul siyaasadeed aan micno lahayn”, taas oo uu ku eedeeyay in ay carqalad ku tahay dagaalka Al-Shabaab.

“Wali waan aaminsanahay in Al-Shabaab la jabin karo. Laakiin taas waxay u baahan tahay in laga hortago khilaafaadka siyaasadeed ee la abuurayo, arrimaha la buunbuuniyo” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii, Waare wuxuu sheegay in loo baahan yahay in la helo qorshe mideysan iyo ujeeddo qaran oo ka dhaxaysa dhammaan hay’adaha dowliga ah iyo shacabka, si looga hortago handadaada ka imaanaysa Al shabaab.

Puntland Luulyo 8da, 2025 Maamulka Puntland ayaa sheegay in howlgal cirka ah oo ka dhacay dooxada Baalade ee buuraha Cal Miskaad lagu bartilmaameedsaday xubno sare oo ka tirsan kooxda Daacish, isla markaana la xaqiijiyay in la dilay bartilmaameedkii ugu weynaa.

Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay ilo kala duwan ayaa xaqiijinaya in weerarkan si gaar ah loogu beegsaday saraakiil sar-sare oo uu ku jiro ku-xigeenka amiirka guud ee Daacish, Cabdiraxmaan Faahiye Ciise Maxamuud, kaas oo ku dhuumaaleysanayay buuraleyda Cal Miskaad.

Sarkaal ka tirsan Puntland, Axmed Cabdullaahi Sheekh, oo ka mid ah la-taliyeyaasha howlgallada cirka ah, ayaa sheegay in duqeyntan ay fuliyeen ciidamo Maraykan ah. Wuxuu xusay in Maraykanku si joogto ah u garab taagan yahay dadaallada Puntland ee la dagaallanka argagixisada.

Duqeyntan ayaa qeyb ka ah wajigii ugu dambeeyay ee Howlgalka Hilaac (Lightning Operation), iyadoo Puntland ay sheegtay in iskaashiga ay la leedahay ciidamada Maraykanka uu si cad u miro-dhalay.

Sida ay tilmaameen saraakiisha Puntland, ilaa 85% hoggaankii sare ee Daacish ee ku sugan Puntland ayaa la burburiyay tan iyo markii uu howlgalkan bilowday.

Saraakiisha sare ee la dilay ayaa lagu tilmaamay kuwo door muhiim ah ku lahaa hannaanka maamulka iyo hawlgalada kooxda Daacish. Waxaa la xaqiijiyay in ay ka mid yihiin:

Cabdixakiim Badiin Mawaledd (Yemeni): Madaxii booliska gudaha (Hizba), kuna hadli jiray af-Soomaali.

Marwaan Cabdirizaaq (Tunisian): Madaxii dagaalyahanada ajnabiga ah.

Barow Cabdi Macallin (Soomaali – Gedo): Madaxa maamulka ee Shebaab-Dhaasaan.

Axmed Salaax Sudaani (Sudanese): Madaxii wacyigelinta diinta (Da’wah).

Ibraahim Hayyaan (Moroccan): Madaxii qaraxyada.

Dr. Xakiim Ubayda (Malaysian): Madaxii caafimaadka.

Axmed Muuse Siciid (Soomaali – Bari): Madaxii xiriirka dibadda, kana hadli jiray Carabi iyo Ingiriisi.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in howlgalladan sii socon doonaan ilaa kooxda Daacish laga cirib tiro guud ahaan deegaanada ay kaga sugan yihiin Puntland.

WARARKA MAANTA 6da Luulyo, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa boobaya/dhacaya shacabka #Muqdisho? Yaa lacag uu xaday laga xanibay #Switzerland? Yaa dastuurkii dalka beddeshay? Yaa diidan inay doorasho qabto wada-ogol ah? Yaa musuqmaasuq ugu weyn sameeya Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa boobay shacabka #Muqdisho Madxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” Iyo Qoysaskiisa? Yaa burburiyey ciidanka xoogga? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso!

Muqdisho Luulyo 6da, 2025 Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa maanta wareegto uu soo saaray si rasmi ah ugu magacaabay guddiga farsamo ee dhameystirka maamul goboleedka SSC Khaatumo.

Guddigan farsamo ayaa ka kooban illaa 8 xubnood, kuwaas oo ay Wasaaraddu ugu talo gashay ka shaqeynta dhamaystirka iyo maamul u samaynta SSC Khaatumo, si waafaqsan habraacyada dastuuriga ah iyo siyaasadda dib u heshiisiinta qaranka.

Xubnaha guddigan ayaa waxa guddoomiye looga dhigay Dr. Axmednuur Maxamed Cabdi, halka guddoomiye ku xigeenka loo magacaabay Cabdinasir Xaaji Maxamed.

Waxaa sidoo kale xubnaha guddigan ku jira xubno ka socda ama kasoo jeeda gobolka Sanaag, taasoo ka dhigan in dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay gobolka Sanaag ku darayso maamulka SSC Khaatumo.

Hirshabelle State  Luulyo 6da, 2025 Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal saacado badan qaatay oo wali ka socda deegaano u dhaxeeya degmooyinka Moqokori iyo Aadan Yabaal oo ka kala tirsan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kaasoo u dhaxeya ciidanka Macawiisleeyda oo garab ka helaya kuwa dowladda oo dhinac ah iyo Al-shabaab. 

Dagaalka ayaa lasoo warinaya inuu haatan ka socdo tuulooyin ku dhadhaw deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan oo dhaca xadka ay wadaagaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Dagaalkaan oo soo bilaawday waabarigii hore ee saakay ayaa ah mid marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaayay, maadama labada dhinacba ay kala gaarayeen gurnadyo ciidan oo xoog leh.

Ciidamada iskaashanaya ayay u suurta gashay in dagaalka saakay soo bilaawday kula wareegaan deegaano dhowr ah oo ay ka mid yihiin Gumare, Xagare iyo Ceel qooxle oo ah dhamaantood deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Macawiisleeyda oo la hadlay HOL ayaa inoo sheegay in dagaalka maanta khasaare xoogan ku gaarsiiyeen kooxda Al-shabaab ee maalmahii lasoo dhaafay dhaqdhaqayada ka waday deegaanadaan hoostaga Moqokori.

“Meydadka Khawaarijta waa daadsan yihiin dagaalka saakay kusoo bilaawnay wali waan wadna oo hada xabadu waxay kasii dhaceysa dhaga kore ee Ceel qooxle, dhimashadooda 30 kor ayay u dhaaftay anaga dhankeena 5 dhimasho ah ayaa jirta, dagaalkana wuu sii soconaya ilaa aan ka tagno Aadan Yabaal” ayuu yiri sarkaal lagu magacaabo Axmed Jimcaale oo ka tirsan ciidanka Macawiisleeyda. 

Si kastaba ha ahaate dagaalkaan maanta ka dhacay deegaanada ka tirsan Hiiraan ayaa noqonaya dagaalkii ugu xoogana ee waayahaan dambe ka dhaca deegaanada gobolka Hiiraan.

Galmudug State  Luulyo 6da, 2025 Wararka naga soo gaaraya deegaanka Balicad oo ka mid ah deegaanada hoostaga Dhabad ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi duhurnimadii maanta lagu dilay laba nin oo xoolo dhaqato ahaa.

Labada nin ee la dilay ayaa la sheegay iney deegaan ahaan kasoo jeedeen degmada  degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, waxaana dilkooda geystay maleeshiyaad hubeysnaa oo dilka kadib si deg deg ah uga baxsaday goobta.

Wali si rasmi ah looma oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilkaan loo geystay ragaan xoolo dhaqatada ahaa, hayeshee waxaa lala xariirinaya dilkooda inuu salka ku haayo arimo la xariira aano qabiil.

Dilka labada marxuum ee xoolo dhaqatada ahaa ayaa durba abuuray xaalad cabsi ah oo laga qabo in dhacdadan ay sii huriso xiisadaha colaadeed ee mudooyinkii dambe ka jiray qeybo kamid ah gobolka Galgaduud.

Gobolka Galgaduud waxa uu ka mid yahay meelaha ugu badan oo ay ka dhacaan dagaal beeleedyada, waxaana halkaasi marar badan ka dhacay dilal argagax badan oo la xariira aanooyin qabiil.

Muqdisho Luulyo 6da, 2025 Guddigan farsamo ayaa ka kooban illaa 8 xubnood, kuwaas oo ay Wasaaraddu ugu talo gashay ka shaqeynta dhamaystirka iyo maamul u samaynta SSC Khaatumo, si waafaqsan habraacyada dastuuriga ah iyo siyaasadda dib u heshiisiinta qaranka.

Xubnaha guddigan ayaa waxa guddoomiye looga dhigay Dr. Axmednuur Maxamed Cabdi, halka guddoomiye ku xigeenka loo magacaabay Cabdinasir Xaaji Maxamed.

Waxaa sidoo kale xubnaha guddigan ku jira xubno ka socda ama kasoo jeeda gobolka Sanaag, taasoo ka dhigan in dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay gobolka Sanaag ku darayso maamulka SSC Khaatumo.

Muqdisho Luulyo 6da, 2025 Dowladda Soomaaliya ayaa soo cusbooneysiisay baaqeedi ku aaddan kordhinta taageerada ay beesha caalamka siiyaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) iyo maalgelin joogto ah oo ay ku bixiso howlgalka nabad ilaalinta ee muhiimka u ah xasilinta Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Cali Maxamed Cumar ayaa baaqan jeediyay Khamiistii xilli uu socday kulan dhanka fogaan araga ah oo heer wasiir ah oo ay yeesheen Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika (PSC), kaasoo diiradda lagu saarayay xaaladda ammaan ee Soomaaliya iyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Wasiir Cali Balcad oo la hadlayay wasiirada kale ayaa muujiyay sida ay Soomaaliya uga xuntahay shilkii 2-dii bishii July ka dhacay magaalada Muqdisho kaas oo galaaftay nolosha shan askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Uganda, Wuxuuna tacsi u diray qoysaskii ay ka geeriyoodeen, dowladda Uganda, iyo guud ahaan Howlgalka AUSSOM.

Waxa uu xusay in taageerada ay ka heleen saaxiibada Afrika ay door ka qaateen dib u soo celinta dhulalka xagjiriinta, soo celinta adeegyada bulshada ee muhiimka ah, iyo dib u dhiska hay’adaha qaranka ee asaasiga ah.

Iyadoo AUSSOM ay hadda si buuxda u shaqa bilawday 1-da Luulyo iyadoo la raacayo habraacyada cusub oo ogolaanaya in loooso diro Soomaaliya 11,911 Askari, ayuu wasiir Cali wuxuu ku tilmaamay howlgalka inuu yahay ajendaha amniga qaranka ee Soomaaliya.

Waxa uu carabka ku dhuftay in ay diiradda saarayso ilaalinta rayidka, ilaalinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo taageeridda ciidamada Soomaaliya si ay uga jawaabaan khataraha ka imaanaya kooxaha Argagixisada.

Si loo dammaanad qaado sii jirista howlgalka, Wasiir Cali Balcad waxa uu ku baaqay in la qabto Shirweyne Maalgelineed oo AUSSOM ah, isaga oo soo jeediyay in mid kamid ah wadamada Khaliijku martigeliyaan.

WARARKA MAANTA 5ta Luulyo, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa lacag uu xaday laga xanibay #Switzerland?   Yaa dastuurkii dalka beddeshay? Yaa diidan inay doorasho qabto wada-ogol ah? Yaa musuqmaasuq ugu weyn sameeya Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa boobay shacabka #Muqdisho Madxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” Iyo Qoysaskiisa? Yaa burburiyey ciidanka xoogga? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso!

Muqdisho Luulyo 5ta, 2025

Buruundi Luulyo 5ta, 2025 Midowga Afrika ayaa u kordhiyay joogitaanka ciidamada Burundi ee Soomaaliya muddo lix bilood ah, iyagoo sii ahaanaya qeyb ka mid ah howlgalka cusub ee AUSSOM.

Tani waxay imaaneysa kadib markii horey loo qorsheeyay in ciidamada Burundi ay ka baxaan dalka ugu dambeyn 30-ka Juun 2025.

Go’aankan ayaa yimid kadib kulan ay yeesheen Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika (AU Peace and Security Council) oo lagu xusay baahida degdegga ah ee lagu buuxinayo “meelaha bannaan” ee ka jira ciidamada AUSSOM, maaddaama dib u dhac uu ku yimid soo gudbinta ciidamada ka socda dalalka kale ee ku biiraya howlgalka, gaar ahaan Masar.

Ciidamada Burundi ayaa si kumeelgaar ah u sii joogaya si ay u xoojiyaan dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, iyagoo sidoo kale taageero siinaya dowlad-dhiska iyo sugidda amniga gudaha Soomaaliya.

Waxaa la rajeynayaa in inta lagu guda jiro lixda bilood ee kordhinta ah, dhammaan dalalka kale ee ciidamo ku biirinaya AUSSOM ay si buuxda u soo dhameystiraan diyaar-garowgooda.

Go’aankan ayaa muujinaya caqabadaha weli ka taagan kala-guurka laga sameynayo howlgalka ATMIS loona gudbayo AUSSOM, iyadoo arrimaha dhaqaalaha iyo qorsheynta ciidamada ay yihiin caqabado weli taagan.

Muqdisho Luulyo 5ta, 2025 Dowladda Soomaaliya ayaa soo cusbooneysiisay baaqeedi ku aaddan kordhinta taageerada ay beesha caalamka siiyaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) iyo maalgelin joogto ah oo ay ku bixiso howlgalka nabad ilaalinta ee muhiimka u ah xasilinta Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Cali Maxamed Cumar ayaa baaqan jeediyay Khamiistii xilli uu socday kulan dhanka fogaan araga ah oo heer wasiir ah oo ay yeesheen Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika (PSC), kaasoo diiradda lagu saarayay xaaladda ammaan ee Soomaaliya iyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Wasiir Cali Balcad oo la hadlayay wasiirada kale ayaa muujiyay sida ay Soomaaliya uga xuntahay shilkii 2-dii bishii July ka dhacay magaalada Muqdisho kaas oo galaaftay nolosha shan askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Uganda, Wuxuuna tacsi u diray qoysaskii ay ka geeriyoodeen, dowladda Uganda, iyo guud ahaan Howlgalka AUSSOM.

Waxa uu xusay in taageerada ay ka heleen saaxiibada Afrika ay door ka qaateen dib u soo celinta dhulalka xagjiriinta, soo celinta adeegyada bulshada ee muhiimka ah, iyo dib u dhiska hay’adaha qaranka ee asaasiga ah.

Iyadoo AUSSOM ay hadda si buuxda u shaqa bilawday 1-da Luulyo iyadoo la raacayo habraacyada cusub oo ogolaanaya in loooso diro Soomaaliya 11,911 Askari, ayuu wasiir Cali wuxuu ku tilmaamay howlgalka inuu yahay ajendaha amniga qaranka ee Soomaaliya.

Waxa uu carabka ku dhuftay in ay diiradda saarayso ilaalinta rayidka, ilaalinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo taageeridda ciidamada Soomaaliya si ay uga jawaabaan khataraha ka imaanaya kooxaha Argagixisada.

Si loo dammaanad qaado sii jirista howlgalka, Wasiir Cali Balcad waxa uu ku baaqay in la qabto Shirweyne Maalgelineed oo AUSSOM ah, isaga oo soo jeediyay in mid kamid ah wadamada Khaliijku martigeliyaan.

Muqdisho Luulyo 5ta, 2025 Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa saakay Khawaarijta ku weeraray deegaanka Gumarre oo hoostaga degmada Moqokori, halkaas oo lagu jebiyey, lagana saaray cadowga Khawaarijta ah.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in firxadka Khawaarijta ay u sii baacsanayaan dhanka deegaanka Ceel-qooxle, isla markaana goobihii lagu dagaalamay ay daadsan yihiin meydadka Khawaarijtii saakay lagu ekeeyey weerarka.

Howlgalka oo weli socda wixii kasoo kordha kala soco Warbaahinta Qaranka.

WARARKA MAANTA 4ta Luulyo, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa musuqmaasuq ugu weyn sameeya Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa boobay shacabka #Muqdisho Madxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” Iyo Qoysaskiisa? Yaa burburiyey ciidanka xoogga? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso!

Muqdisho Luulyo 4ta, 2025Ku dhawaad 300 oo ruux ayaa baaritaano iyo adeegyo caafimaad oo dhanka Indhaha ah loogu sameeyay degmada Warshiikh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, Koox caafimaad oo ay hormuud ka yihiin dhallinyaro dhaqaatiir indhaha ah ayaa adeeggan caafimaad oo baahi weyn ay u qabeen dadka deegaanka ku nool u sameeyey baaritaano, Qalliino iyo daaweyn caafimaad oo indhaha ah, Ololahan waxaa ka faa’iideystay dadka danyarta ah ee deegaanka.

Galdogob Luulyo 4ta, 2025 TALIYE CABDI CASEYR HALALA SHAQEEYO

hala qorto ciidanka faderalka somalia mudug ka shaqeynaya qofkasta reer kasta hada ha isqoraan ka faa,idaysta fursada ama sidiini odayaal iyo horgalo tuuga ah oo maamulka putland lacag ka qaata ha idinka hor istaagaan oo been ha idiin sheegaan

Maamulka xaasidka nagu ah ee putland sidiisi buu dhihahaya anaa ciidan qoraya

Sidii waagii wasiirad fardowso Osman egal ay rabtay inay ciidan noo qorto ay yimaadeen maamulkaas iyo kuwa horgalada ah u ah ciidanka intay diwaan galiyeen aan dib danbe ugu soo laaban hala iska jiro wixii waagi hore oo kale

Jarmalka Luulto  Luulyo 4ta, 2025  Sida lagu ogaaday baadhitaan ay si wadajir ah u fuliyeen warbaahinta Jarmalka ee DW iyo ARD, Ayuub Cabdirisaaq (oo loo yaqaan “Kabtan Ayuub”) iyo Yacquub Siyaad, oo ah dhallinyaro Soomaali ah oo caan ka ah baraha bulshada, ayaa si joogto ah ugu faafinayay fariimo naceyb iyo hurin dagaal ah, iyaga oo sannado badan si toos ah uga hawlgalayay gudaha dalka Jarmalka.

Baadhitaanka ayaa lagu sheegay in fariimo ay ku dhiirrigelinayaan colaadaha ay si joogto ah ugu baahiyaan baraha sida Facebook iyo TikTok, iyaga oo gaadha boqollaal kun oo taageerayaal ah, kuwaas oo ay badankoodu Soomaali yihiin, kuna sugan gudaha iyo dibedda. “Fariimahooda waxa ka buuxa naceyb qabiil, baaqyo dagaal, dhiirrigelin ah in rasaas lagu furo askarta iyo dad rayid ah, iyo talooyin ku saabsan sida loo weeraro goobaha ciidanka,” ayaa lagu yidhi warbixinta.

Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in Kabtan Ayuub, oo sheegay inuu 13 jir ahaa markii uu qori qaatay kuna biiray dagaal-beeleed, uu ku faano inuu galay in ka badan 30 dagaal, sidoo kalena uu ka mid ahaa budhcad-badeedda sanadihii hore. Ayuub waxa uu Jarmalka galay sanadkii 2017, balse markii dambe si qarsoodi ah ayuu ugu laabtay Soomaaliya, isagoo markaas ku biiray Ciidanka Difaaca Puntland.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in Yacquub Siyaad oo isagana si weyn looga yaqaan baraha bulshada, uu ku baahiyo hadallo naceyb ah oo uu ku dhiirrigelinayo taageerayaashiisa inay “gooyaan madaxda cadowga.” DW waxay sheegtay in labada nin muddo dheer ay ka badbaadeen in la ogaado madaama oo ay ku hadlaan afqalaad.

“Markii uu dagaalku ka qarxay magaalada Laascaanood horraantii 2023, labada ninba waxay si firfircoon uga qayb qaateen hurinta colaadda, iyagoo u safaraya Soomaaliya, la kulmaya jabhadaha hubeysan, kana duubaya muuqaallo ay ku faafiyaan baraha bulshada si ay taageero iyo dhaqaale uga helaan jaaliyadaha dibedda,” ayaa lagu yidhi warbixinta.

Daraasadda DW iyo ARD ayaa daahfurtay in Ayuub xidhiidh dhow la leeyahay madaxda sare ee Puntland, gaar ahaan Madaxweyne Siciid Deni, waxaana la arkay sawirro muujinaya Ayuub oo fadhiya safka hore ee munaasibado ama la socda madaxda maamulka.

“Waxa xusid mudan in Ayuub u ballanqaaday $20,000 qof kasta oo sameeya maleeshiyo hubaysan. Inkasta oo Yacquub aan si fudud ugu laaban karin Soomaaliya (maadaama maxkamad milatari oo Puntland ah ku ridday 10 sano xabsi ah isagoo maqane ah), haddana weli wuxuu sii hurinayaa nacayb iyo dagaal isagoo ku sugan magaalada Düsseldorf,” ayay warbixintu tidhi.

Khubarada amniga ee lagu waraystay warbixintan waxay sheegeen in labada nin ay wadaan “dagaal xogeed” (information warfare), taas oo ah nooc cusub oo colaadeed oo lagu burburinayo nabadda gudaha Soomaaliya, iyada oo la adeegsanayo tiknoolajiyadda iyo baraha bulshada.

Muqdisho Luulyo 4da, 2025 Muqdisho, Khamiis 3 Luulyo, 2025: — Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa si aqlabiyad ah u ansixiyay 9 Murrashax ee Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ), oo ay soo gudbisay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

Go’aankan waxaa lagu gaaray si waafaqsan xeer hoosaadka Golaha, Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo iyada oo la tixraacayo Qodobka 17aad, farqaddiisa (1) ee Sharci Lr. 16 ee 27 Juunyo 2016, kadib markii la sameeyay hab-raac xulid oo adag, hufan, oo daah-furan, si buuxanna u waafaqsan Qodobada 8aad, 15aad iyo 16aad ee isla sharcigaas.

Murrashaxiinta waxaa lagu soo xulay iyadoo lagu saleynayo kartidooda, daacadnimadooda, iyo hufnaantooda, iyo iyada oo la raacayo habraacyada caalamiga ah, gaar ahaan Mabaadi’da Baariis iyo Gunaanadyada Guud ee GANHRI (Isbahaysiga Caalamiga ah ee Hay’adaha Xuquuqul Insaanka ee Qaran).

Xubnaha Guddiga oo ka kooban sagaal ayaa waxay kala yihiin:

1.⁠ ⁠  Axmed Shiikh Xamsa Abshir

2. Cali Maxamed Cilmi

3. Dr. Cumar Cabdulle Calasow (PhD)

4. Dr. Maryam Qaasim Axmed

5. Faadumo Cabdiqani Yuusuf

6. Farxaan Maxamed Jimcaale

7. Dr. Maxamed Cismaan Maxamuud (PhD)

8. Maxamed Haaruun Maxamuud

9. Muumina Shiikh Cumar

WARARKA MAANTA 3da Luulyo, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa boobay shacabka #Muqdisho Madxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” Iyo Qoysaskiisa? Yaa burburiyey ciidanka xoogga? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso!

Muqdisho Luulyo 3da, 2025 Dhowaan, iyagoo la kaashanaya QM, ayey Xafiiska Amniga Qaranka Soomaaliya iyo Hay’adaha Amniga Soomaaliyeed ee Galmudug, Hirshabeelle, iyo Koonfur Galbeed yeesheen wadatashiyo maalmo socday oo ku saabsan qabyo qoraalka Istaraatiijiyadda Amniga Qaranka iyo istaraatiijiyadaha amniga ee Dowlad Goboleedyada. 91 qof oo ka kala socda wasaaradaha muhiimka u ah amniga iyo ciidamada amniga ayaa ka qeybgalay kulankan, iyadoo ujeedadiisu aheyd in la waafajiyo  istaraatiijiyadaha xaaladaha gaarka ah, wax ka qabashada baahiyaha amni, iyo waxyaabaha khatarta gaarka ah ku haya dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Puntland State Luulyo 3da, 2025MADAXWEYNAHA OO DHAGAX DHIGAY DHISMAHA WADADA BACAADWEYN-GAALKACYO.

Bacaadweyn: 03 July 2025: Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni oo safar shaqo ku tegay Deegaanka Bacaadweyn, ayaa dhagax dhigay dhismaha wadada isku xirta Bacaadweyn iyo Gaalkacyo, taasi oo lagu dhisayo isku tashi iyo cashuurta shacabka laga qaado oo dalka dib loogu dhisayo.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, Goleyaasha Dowladda Puntland, Isimo, waxgaarad, qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Injineerada shirkadaha dhisaya wadada.

-DHAMMAAD-

South West State Luulyo 3da, 2025 Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka qayb galay Munaasabadda Daah-furka Ololaha Diiwaan gelinta Codbixinta Deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed.

Munaasabadda Diiwan-Gelinta ayaa waxaa ka qeybgalay Mudanayaal ka tirsan Goliyaasha Dowladda Koonfur Galbeed xubno ka tirsan Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha iyo qeybaha kala duwan Bulshada Magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Laftagareen oo noqday Qofkii ugu Horeyey ee qaata Shahaada Diiwan-Gelinta Cod Bixiyaasha ayaa Bulshada Koonfur Galbeed kula Dardaarmay inay is Diiwan-Geliyaan kana qeyb qaatan Hanaanka Doorashooyinka Qofka iyo Codka.

Muqdisho Luulyo 3da, 2025  Dowladda Mareykanka ayaa afar maalmood gudahood joojisay 256 qandaraas oo lagu sheegay inay ahaayeen kuwo aan wax-soo-saar muuqda lahayn, kuwaas oo qiimahooda guud lagu qiyaasay $14.3 bilyan. 

Go’aankan ayaa keenay in dowladda ay badbaadiso $11.5 bilyan oo kharash ah oo la bixin lahaa.

Qandaraasyadan la baajiyay waxaa ka mid ahaa mid si gaar ah u khuseeya Soomaaliya, kaasoo ahaa heshiis ay bixisay hay’adda horumarinta caalamiga ah ee Mareykanka (USAID).

Qandaraaskan oo lagu qiimeeyay $850,000 ayaa loogu talagalay in lagu shaqaaleysiiyo la-taliye ku takhasusay “adkeysiga” (resilience advisor) oo ka howlgali lahaa gudaha Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda ayaa u aragtay in qandaraaskan aanu lahayn wax-soo-saar muuqda ama mid muhiimad u leh danaha guud ee dalkeeda.

Sidoo kale, waxaa la joojiyay qandaraas kale oo uu bixiyay maamulka adeegyada guud ee Mareykanka (GSA), kaas oo lagu qiimeeyay $198,000, islamarkaana la xiriiray la-talin ku saabsan hagaajinta habraacyada shaqada iyo ganacsiga.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallo ballaaran oo ay dowladda Mareykanka ku baarayso qandaraasyada ay bixiso si looga hortago kharash-bax aan qiil laheyn, loogana dhigo nidaamka maaliyadeed mid hufan oo wax ku ool ah.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in howshani ay sii socon doonto si loo xaqiijiyo in lacagta canshuur bixiyayaasha Maraykanka loo adeegsado meelaha ugu waxtarka badan.

Joojinta qandaraaskan Soomaaliya khuseeya ayaa imaaneysa iyadoo Mareykanka horeyba u hakiyay ama u dhimey mashaariic gargaar oo muhiim u ahaa Soomaaliya, kuwaas oo ay ku bixi jirtay balaayiin dollar sanad walba. 

Tan iyo sanadihii u dambeeyay, waxaa sii yaraanayay maalgelinta Mareykanka ee dhinacyada horumarinta, nabadeynta, iyo dib u dhiska hay’adaha Soomaaliya, arrintaas oo saameyn ku yeelatay qorshayaal badan oo lagu xasilin lahaa dalka.

Qoryooleey  Luulyo 3da, 2025 Wararka ka imaanaya degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan  rasaas khasaare kala duwan geysatay ku fureen dad shacab ah oo ku sugnaa Suuq yaraha degmadaas.

Rasaasta maleeshiyaadka hubeysan fureen ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray qaar ka mid dadka shacabka ah ee ku sugnaa Suuq yaraha degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Hal qof oo dumar ah ayaa la xaqiijiyay iney ku geeriyootay rasaasta maleeshiyaadka ku fureen dadka shacabka ah, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay laba ruux oo kale, sida ay warbaahinta gudaha u sheegeen dad ku sugnaa Suuq yaraha Qoryooleey. 

Qofka geeriyooday ee dumarka ah ayaa magaciisa lagu sheegay Xabiibo Cali Shiiqaaley oo ahayd haweeney suuqaasi ku ganacs jirtay, islamarkaana halkaas ka dabari jirtay nolol maalmeedka qoyskeeda.

Maleeshiyaadka hubeysnaa ee falkaan geystay ayaa si deg deg ah uga baxsaday goobta, lamana oga ilaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay weerarka maleeshiyaadka geysteen, mana jirto cid loo soo xiray ama lagu tuhunsan yahay iney ka dambeeyeen falkaas.

Si kastaba ha ahaatee weerarkaan ka dhacay Suuq yaraha Qoryooleey oo cabsi badan galiyay dadka ku nool degmadaas ayaa kusoo aadaya, iyadoo magalaadassi inta badan ay ka dhacaan dagaal beeleeyo geysta khasaariiyun isugu jira dhimasho, dhaawac iyo mid hantiyadeed. 

Muqdisho Luulyo 3da, 2025 Dowladda Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay dowladda iyo shacabka Uganda, kadib shilkii naxdinta lahaa ee khasaaraha ka soo gaaray 8 ruux oo saarneeyd diyaarad Helicopter ah oo ay lahaayeen ciidamada Uganda ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa bogaadisay geesinimada iyo dadaalka ay muujiyeen askarta Uganda, waxaana ay xaqiijisay in ficiladooda geesinimada leh ay muujineyso doorka joogtada ah ee Uganda ee taageerada horumarka iyo barwaaqada Soomaaliya.

War kasoo baxay Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda muujisay sida ay uga mahadcelineyso naf-hurnimada ay u hureen ciidamada ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

“Waxaan garab taagannahy waqtigaan adag oo aan xanuunka la qeybsanaynaa Shacabka Iyo Dowladda Uganda dadkii kaga geeriyoodey diyaaradii ay saarnaayeen oo ku dhacday Garoonka Aadan Cade”. ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Waaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Howlgalka AUSSOM iyo Hay’adda socdaalka ayaa isla baaraya waxyaabaha dhaliyay shilka ku yimid diyaaradaasi Helicopter ka ahayd.