Wararka 2018

WARARKA MAANTA Janaayo 14ka  2019 Sir Culus!

Su;aalaha Maanta: Maxuu Khaa’inul waddan Ra’iisal wasaare Kheyre uu Baarlamaanka ugu gudbiyay xeerka wax ka badalka Agaasinka Bangiga Dhexe? Maxuu Khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” u rabaa inuu Guddoomiyaha Bangiga Dhexe u magacaabo nin ajinabi/shisheeye ah oo weli Ingiriis ah xiriir la leh Shirkaddii Soma Oil and Gas kaasoo kala qaybtii iyo cadownimadda ay u qabeen Ummadda Soomaaliyeed ay u kala qeybiyeen 5 qeybood xilligii gummaysiga ay ku hayeen dhulka Soomaalida degto ee Geeska Afrika iyo gabi ahaanba qaarada Afrika? Ma waxaa la waayey qof aqoonyahan Soomaaliyeed oo shaqadaas qabta? Mise ninkan waxuu kamid ahaa raggii sida tooska ah iyo sida dadbanba magaca Ummadda Soomaaliyeed ku xalaalaysan jiray dhaqaallaha iyo deymaha lagu sii qaamaynaayo magaca Ummadda Soomaaliyeed? Maxay tahay sababta ninkan Ingiriiska ah ee loogu magacaabayo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe? Maxayse xukuummadda fashilantay ee Khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” u samayn/magacaawi waayeen Guddigga Garsoorka Qaranka Iyo Hay’adda La-Dagaalanka Musuqmaasuqa? Maxay Dowladda Soomaaliya ee wada dadban umalaynaysaa inay shacabka runta ka qarin karto? Yaa noqon doona Madaxweynaha soo socda? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha soo socda? Yaa noqon doona Guddoomiyaha Aqalka Sare ee soo socda? Ha wiqleyso!

https://www.youtube.com/watch?v=0z2hBFhDIvk

Muqdisho Janaayo 14ka 2019 Ra’iisal wasaare Kheyre oo Baarlamaanka u gudbiyay xeerka wax ka badalka Agaasinka Bangiga Dhexe. Akhriso-Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa u gudbiyay Golaha Shacabka xeerka wax ka badalka guddiga Agaasinka Bangiga dhexe ee Soomaaliya oo lagu waddo in uu maanta ka dooddo Golaha.

Xeerka ayaa u qornaa siddan :
Markuu la arkay Baahida loo qabo :-  Soo saarista xeer maamul oo haggaya soo xulista xubnaha guddiga Agaasinka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya :
Markuu Arkay  :- In Golaha Wasiirraddu Wadajir u ansixiyeen si waafaqsan xeerka qoddobka 99 farqadiisa (b) ee Dastuurka Soomaaliya.
Markuu ku qancay :- In Sharciga 130 u baahan yahay dib u eegis nuxur ahaan iyo qaab dhismeed ahaan si uu ula jaan-qaadi karo Nidaamka Maaliyadeed ee dalka (PFM) kuna  saleysan furfurnaanshaha Dhaqaale ee Caalamiga ah.
Wuxuu Meel mariyay
1 .Xeerkan maamul ee Golaha Wasiirraddu ogolaadeen oosi KMG u haga xulida xubnaha Agaasinka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya in dib u eegis wadajir ah ku sameeyaan Guddiga Maaliyadda iyo  Miisaaniyadda Golaha Shacabka iyo Wasaaradda Maaliyadda Sharci Lambar 130, si la isku waafajiyo shuruucda maaliyadeed ee dalka.
2.Iyadoo aan wax loo dhimeyn Sharciga 130aad, ee 22/04/2012 qodobka 12aad, farqadiisa 1aad, xeerka (a) waxaa loo ogolaaday guddiga xulista xubnaha guddiga Agaasinka Bangiga dhexe ee Soomaaliya in ay soo xuli karaan qof kastaa oo ugu dhibco sareeya, Karti ahaa, Aqoon ahaan, iyo hufnaan intaba guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya.
3, Xeerkan waxaa uu dhaqan-galayaa markii uu meel mariyo Golaha Shacabka islamarkaana uu Dikreeto ku soo saaro madaxweynaha dowladda Soomaaliya.
Haddaba xeerkan uu ku saxiixan yahay ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa haddii uu meel maro ama isku raacaan Golaha Shacabka waxaa ay ka dhigan tahay in Bangiga Dhexe  uu madax ka noqon karo shaqsi ajnabi ah, kuna imaan doona xeer loo cuskanayo xulida Guddiga Agaasinka Bangiga Dhexe, kaasoo qof kasta oo ugu dhibco sareeya, karti ahaan, aqoon ahaan iyo hufnaan uu noqonayo  Guddoomiyaha Bangiga Dhexe.

Muqdisho Janaayo 14ka 2019 Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu waddaa in maanta oo Isniin ah kulan xasaasi ah ku yeeshaan xaruntooda magaalada Muqdisho, iyaga oo ka dooddi doona wax ka badalka xeerka Bangiga. Arrintan ayaa dood adag ka dhax abuurtay mushtamaca Soomaaliyeed kaddib uu soo baxay war ku saabsan in sababta wax ka badalka loogu sameynayo xeerka Bangiga uu yahay sidii qof Ajnabi ah loogu dhiibi lahaa guddoonka sare ee Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Xildhibaannada qaarkood, Aqooyahanno iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo arintan ka hadlay ayaa sheegay in wax laga xumaado tahay qorshaha wax ka badalka xeerka Bangiga dhexe ee Soomaaliya, iyadoo ay sababtu tahay sidii qof Ajnabi ah uu u maamuli lahaa Bangiga.

Prof Yaxye Sheekh Caamir oo ka mid ah aqooyahannada Soomaaliyeed ayaa sheegay in caqabado aan hadda laga fiirsan lagala kulmi doono haddii qof ajnabi ah loo dhiibo Bangiga, gaar ahaan waxaa uu sheegay in qofka hadda lagu waddo uusan aqoon u laheyn maamulka Dhaqaallaha isaga oo bartay ayuu yiri dhaqaalaha beeraha oo ah ayuu yiri qeyb kooban oo ka mid ah cilmiga Dhaqaalaha.

Lama oga sida uu xildhibaannada Golaha Shacabku u wajihi doonaan marka la hor geeyo ajandaha wax ka badalka xeerka Bangiga iyo doodda arintan ku saabsan.

Maamulka Jubbaland Janaayo 14ka 2019 Wararka naga soo gaaraya degmada Bu’aalle ee gobolka Jubbada dhexe ayaa sheegaya in dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab toogasho ku dileen sarkaal ka tirsanaa Ururka Daacish oo siweyn isaga oo horjeedaa Al-shabaab. Sarkaalkan toogashada lagu dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Yaxye Xaaji Fiile, oo loo yaqaaney [Abu Zakariye] waxaana ay ku eedeeyeen Al-shabaab in uu ka tirsan yahay Ururka Daacish.

Sarkaalkan ayaa marka laga soo tago in uu hadda ka tirsanaa Ururka Daacish waxaa uu muddo dheer ka mid ahaa Ururka Al-shabaab oo mar uu khilaaf soo kala dhaxgalay, laakiin markii danbe ayuu si toos ah ugu biiray Daacish.

Ururka Al-shabaab ayaa horay ugu dhawaaqay dagaal ka dhan ah Ururka kale ee Daacish oo ay ka mideysan yihiin dagaalka ka dhanka ah dowladda Soomaaliya, laakiin dhaxdooda aan siyaasad ahaan isku wanaagsaneyn.

Muqdisho Janaayo 14ka 2019 Wasiirka Maaliaydda Somaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle mar uu warbaahinta la hadlayay ayuu ka waramay waxyaabihii u qabsoomay wasaaradda Maaliyadda intii uu joogay iyo qorshahooda sanadkan 2019 ee bilowga ah. Wasiirka Maaliaydda Somaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle mar uu warbaahinta la hadlayay ayuu ka waramay waxyaabihii u qabsoomay wasaaradda Maaliyadda intii uu joogay iyo qorshahooda sanadkan 2019 ee bilowga ah.

Wasiirka Maaliyadda ayaa tilmaamay in labadii sano ee u dambeysay ay ku guuleysatay wasaaraddu bixinta mushaharka shaqaalaha dowladda iyo midka Ciidamada, Wuxuuna intaasi ku daray in labadii sano ee la soo dhaafay daqliga soo gala dowladda uu kordhay 64% boqolkiiba ka dib markii ay wasaaraddu xoojisay nidaamka canshuuraha lagu qaado ee dalka gudihiisa.

Dhinaca kale Miisaaniyadda sanadkaan oo ka kooban 344 Milyen ayuu sheegay in 200 milyen oo ka mid ah wasaaradda ay ka rajaynayso in uu ka yimaado dakhligu gudaha laga soo aruuriyo ee canshuuraha la xiriira.

Ugu dambeyntii shirkiisa jaraa’id ayuu Wasiirka maaliyadda ka sheegay in in sanadkaan ay raja badan Soomaaliya ka qabto in la soo geba gebeeyo dadaalada loogu jiro cafinta deymaha lagu leeyahay.

Muqdisho Janaayo 14ka 2019 Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa looga digay inay ansixiyaan sharciga Hanti Dhowrka Qaranka oo horyaala, kaasi oo maanta la filayo inay ansixiyaan.

Ku xigeenka Koowaad ee Hanti dhowrka Qaranka Cali Abuukar Axmed ayaa isaga oo warbaahinta la hadlayay wuxuu sheegay inuu ka digayo in baarlamaanka ansixiyaan sharciga Hanti dhowrka Qaranka.

Wuxuu sheegay in sharcigaasi uu yahay mid awood uusan laheyn siinayo Hanti dhowrka Qaranka, isaga oo sheegay in Hanti Dhowrka Qaranka uu noqon doono ruux awood leh sida madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Wuxuu sheegay inuu ka madax banaaneynayo sharcigaasi xafiisyada golaha Fulinta, islamarkaana uu xasaanad gaar ahaaneed uu yeelan doono hanti dhowraha, taasi oo ka dhigeyso inuu ka bixi doono Shanta Kaabayaasha dhaqaalaha la isku yiraahdo.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Hanti dhowraha Qaranka uu shaqo la’aan ka dhigay shaqaalo ka tirsanaa xafiiska, kuwaasi oo muddo ka shaqeynayay Handhowrka, taasi badalkeedana uu la yimid halinyaro badan oo ay isku reer yihiin.

Cali Abuukar, ku xigeenka koowaad ee xafiiska Hanti dhowrka, ayaa dhinaca kale ka hadlay shaqaalo ka tirsan Xafiiska oo looga yeeray xarunta hay’adda Dambi baarista ee CID, kuwaasi oo uu sheegay inay ka amar qaadanayeen Hanti dhowrka.

Wuxuu sheegay in shaqaalaha la wareystay ee ka tirsan Xafiiska Hanti dhowrka, inay yihiin kuwii uu shaqo la’aanta ka dhigay, islamarkaana uu doonayo in dambiyo aysan laheyn lagu eedeeyo.

Ugu dambeyn wuxuu madaxda ugu sareyso dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay soo fara geliyaan xiisadda ka taagan xafiiska Hanti dhowrka Qaranka.

 

Muqdisho Janaayo 14ka 2019 Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka qeyliyey qorshe uu sheegay inayn ka dambeyso Villa Somalia, oo magaciisa looga been abuurtay, kaasi oo ka socda facebook.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku sheegay in Villa Somalia ay abuurtay cinwaan facebook oo kiisa shabaha, kaasi oo uu sheegay in lagu faafiyo fikrado isaga loo tirinayo oo lagu sumcad dilayo.

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee facebook uu soo dhigay.

Waxaa baraha bulshada si wayn loo wareejiyey bog been abuur ah oo qoraalka ku qoran la ii tiirinayo. Bogaygu waa hubsan yahay (verified) oo waxaa saaran calaamada buluuga ah ee bogaga rasmiga ah lagu garto. Tan kale, maadaama ay adagtahay in magacayga oo sax ah bog kale lagu sameeyo, waxaa si isdaba maris ah lagu sameeyey magaca bogga been abuurka ah

Waxaase wax lala yaabo ah in baaritaan ay sameeyeen hawl wadeenka dhinaca warbaahinta ee xafiiskayga ay ku soo ogaadeen in boga been abuurka ah laga sameeyey Vila Somalia, dadka wareejinaya iyo muuqaalo hadalo ah kasoo sameeyeyba ay badankood yihiin taageerayaasha madaxweynaha.

Waxaa ayaan dari ah in Vila Somalia aysan ka daalaynin in ciidanka, hantida iyo warbaahinta qaranka u adeegsato sidii naftayda iyo sumcadayda loo dili lahaa. Waxaan maqli jiray “Islaanta Odayga la saar”

Muqdisho Janaayo 14ka 2019 Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in baarlamaanka uu horyaalo sharciga ama xeerka Bangiga dhexe oo la doonayo in wax laga badalo.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xeerkaasi maanta xildhibaanada baarlamaanka la horgeyn doono, marka guddoomiyaha baarlamaanka ogolaado kadibna ay ka doodi doonaan xildhibaanada golaha Shacabka.

Wuxuu sheegay in sharcigaasi baarlamaanka uu kaga yimid dhanka xukuumadda Soomaaliya, isaga oo sheegay iney qabto yahay sida lagu geeyay golaha shacabka.

“Sharcigaasi waxaan idiin cadeynayaa inuu horyaalo golaha shacabka, dhanka xukuumadda ayuuna naga soo gaaray, Sharcigaasi waa mid Surwaal kaliya uu ugu jiro waa feero qaawan yahay oo shaar uguma jiro”ayuu yiri xildhibaanka.

Arintaasi ayaa dhalisay hadal heyn badan, maadaama haddii wax laga badalo xeerka Bangiga dhexe ay ka dhigan tahay in ruux ajnabi ah uu qaban karo guddoonka Bangiga Dhexe.

Dhinaca Xildhibaanka ayaa ka hadlay ruuxa ajnabiga ah ee la hadal hayo in laga dhigayo guddoomiyaha Bangiga dhexe, wuxuuna sheegay inay taasi sabab u tahay in Soomaalida dhankooda ay haweysteen inay xilal ka qabtaan dalalka kale caalamka.

“Marka aad adiga haweysato wax dadow adna waxaada waa lasoo haweysanayaa, arintaan waxay keeni doontaa dood adag oo dadka aysan ku baraarugsaneyn”ayuu hadalkiisa ku daray xildhibaan Dalxa.

 

Muqdisho Janaayo 14ka 2019 Waxaa si weyn la’isula dhexmaraa in dowladda Federal-ka ah ay Bangiga dhexe ee dalka u magacaabi doonto shaqsi ajinabi ah.

Tallaabadan oo aan wali si rasmi ah u dhaqan galin, ayaa waxaa ka dhashay dood iska soo horeedda oo ay qaar qabaan in dowladda ku qaldan tahay qaarna ay soo dhaweeyeen.

Isniinta maanta ah ayey baarlamaanka u codeyn doonaan sidii meesha looga saari lahaa sharci diidaya in qof aan Soomaali ahayn loo dhiibi karo Bangiga si loogu gogol xaaro shaqsiga ay dowladda jagadaas la dooneyso.

Walow aysan wali caddeyn qofka ay dowladda xilkaas u magacaabi doonto iyo dalka uu u dhashay, hadana waxa ay u muuqataa in dowadda 3-dan qodob faa’iido ahaan uga dhex arki karto tallaabadaas.

Waxaa si weyn la’isula dhexmaraa in dowladda Federal-ka ah ay Bangiga dhexe ee dalka u magacaabi doonto shaqsi ajinabi ah.

Tallaabadan oo aan wali si rasmi ah u dhaqan galin, ayaa waxaa ka dhashay dood iska soo horeedda oo ay qaar qabaan in dowladda ku qaldan tahay qaarna ay soo dhaweeyeen.

Isniinta maanta ah ayey baarlamaanka u codeyn doonaan sidii meesha looga saari lahaa sharci diidaya in qof aan Soomaali ahayn loo dhiibi karo Bangiga si loogu gogol xaaro shaqsiga ay dowladda jagadaas la dooneyso.

Walow aysan wali caddeyn qofka ay dowladda xilkaas u magacaabi doonto iyo dalka uu u dhashay, hadana waxa ay u muuqataa in dowadda 3-dan qodob faa’iido ahaan uga dhex arki karto tallaabadaas.

Maamulka Somaliland Janaayo 14ka 2019 Wasiirka Shaqada iyo arimaha Bulshada Somaliland Hindia Jaamac Gaani ayaa shaacisay in dhalinyaro ku sugan magaalada Hargeysa ay ku xiran yihiin xafiiska madaxweyne Farmaajo.

Hinda Jaamac oo dhalinyaro badan la hadlaysay ayaa sheegtay in dhalinyaro badan ay ku xiran yihiin xafiiska madaxweyne Farmaajo, islamarkaana ay dhaqaalo badan qaataan.

Waxay sheegtay in dhalinyaradaasi ay dhaqaalaha ku qaataan sidii ay u kala qeybin lahaayeen shacabka Somaliland, iyaga oo cadeysay inay xog badan ka hayaan dhalinyarada ku xeran xafiiska madaxweyne Farmaao.

“Runtii Socail media dagaal ad u fara badan ayaa ka socdo, waxaana ognahay in dhalinyarada dagaalka sameynaya waa dad la adeegsado oo laga maamulo xafiiska Farmaajo, waxay inoo kala sameeyaan reero iyo magacyo”ayay tiri Wasiirka shaqada ee Somaliland.

Hinda Jaamac, ayaa sheegtay in dhalinyaraadi ay qeyb ka qaadanayaan duminta Somaliland, balse loo baahan yahay in dhalinyarada kale ee Somaliland ka fakaraan mustaqbalkooda.

“Dhalinyarada iyo dadka halkaan jooga ee ku xiran xafiiska madaxweyne Farmaajo yaaneyn dalka naga burburin, waa in dhalinyarada kale ay u istaagaan sidii la isaga qaban lahaa”ayay hadalkiisa saacisay Hinda Jaamac.

Maamulka Puntland Janaayo 14ka 2019 Siciid Cabdullahi Deni waa ganacsasde isu rogay siyaasi. Wuxuu ku dhashay, kana dhigtay waxbarashadiisa illaa heerka koowaad ee jaamacadda magaalada Muqdisho. Ka dib wuxuu galay jaamacad ku taal Malaysia oo uu ka qaatay shahaadada heerka labaad ee jaamacadda.

Ganacsiga ka sokow wuxuu ahaa qofkii ug horreeyay ee Boosaaso ka aasaasa dugsiga Imaam Nawawi. Wuxuu dawladdii Xasan Shiikh noqday wasiirka qorshaynta qaranka.

8-dii Janaayo 2019-ka wuxuu ku guulaystay in loo doorto madaxwaynihii 5aad ee Puntland

Sababihii keenay guusha Deni

Guushiisa ka hor, Deni wuxuu dhextaal u ahaa kooxo iyo shakhsiyaad dhowr ah oo mid waliba dan gaar ah ka lahaa inuu ku guulaysto madaxwaynanimada Puntland.

Shakhsiyaadka gacanta ugu wayn ka gaystay guushiisa waxaa ka mid ahaa madaxwaynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Faroole, murashax madaxwayne Farax Cali Shire, iyo Cabdiwali Gaas.

Kooxaha taageerada xoogga leh siiyayna waxaa hormuud u ahaa Aaran Jaan, Towfiiq, Saracen, Dam Jadiid, Al-Islaax, Dahabshiil, iyo Somaliland. Dhamaan kooxahaan aan kor ku xusnay waxay Deni siiyeen taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba.

Waxaa la sheegay in Lacag gaaraysa 2 milyanoo  doolar uu Deni uga soo qaaday Dahabshiil nin la yiraahdo Maxamuud Shiddo oo ah madaxa Aaran Jaan, isla markaana ka mid ah boardka Towfiiq, iyo kan Saracen. Waxaa kaloo la baahiyay in Somaliland ay iyana u soo dirtay hal milyan oo dollar oo kale.

Sidoo kale, waxaa warbaahinta Puntland sheegtay, in dhaqaalih uu Deni ka helay kooxahaas uu u adeegsaday inuu ku gato codka xildhibaanada, iyadoo xildhibaakiiba uu siinayay 50 kun oo doolar si ay ugu codeeyo. Xildhibaankii lacag ka qaatana wuxuu marinayay dhaar adag oo isugu jirta xilo dalaaq iyo habaar.

Dhallinyaradii (xildhibaanadii) loo han waynaa oo lagu hungoobay codkoodiina iibiyay

Sanandka 2019-ka boqolkiiba 74 (74%) ama 49 ka mid ahh 66-ka xildhibaan ee Puntland laga soo doortay waxay ahaayeen dhallinyaro wax ku bartay jaamacado dalka gudihiisa ku yaal oo lagu tuhmayay waddaniyad, dhaqan wanaag, xalaal quudasho, iyo diin wanaag, una badanaa kuwo taabacsan kooxda Islaamiga ah ee Al-Islaax. Aad baa loogu han waynaa dhallinyaradaas oo waxaa la filayay inay Puntland ka saaraan musuqa, dhaqaale xumada, ammaan darrada, iyo horumar la’aanta.

Laakiin sidii la moodayay ma noqon oo iyagii ayaaba ka darnaaday kuwii ka horreeyay oo lagu eedaynayay laaluush cunka, damiir la’anta iyo waddaniyad xumida. Haddana dadka reer Puntland waxay aad uga walaacsan yihiin mustaqbal xumo ku dhacda Puntland  sababta oo ah xildhibaanadii sanadkan waxay noqdeen kuwo aan sarriig lahayn oo cid kastoo lacag u keenta ka qaadanaya.

Sida lagu sheegay warbaahinta Puntland, lacagta lagu kala gadanayay codka xildhibaanda waxay u dhexaysay 30 ilaa 70 kun oo doolar. Xildhibaanaduna kuma ekaanayn hal murashax ee waxay isu marayeen 4 ilaa 5 murashax. Sidaas baana xildhibaanada qaarkood ku heleen lacag gaaraysa dhowr boqol oo kun oo dollar.

Waxaase taas ka sii darnayd markii siyaadadii dib la isga soo matajiyay oo murashixiintii aan guulaysan ay ka dalbadeen xildhibaanadii aan u codayn ay u soo celiyaan lacagtoodii. xildhibaanada qaarkood suuqa dhexdiisa iyagoo maraya ayaa xabad dhafoorka laga saaray oo lagu khasbay inay lacagtii soo celiyeen.

Haddba waxaa is waydiin leh, xildhibaanada noocaas ah oo iyagoo aan wali shaqo bilaabin oo indhuhu u furmin codkooda siistay lacag laaluush ah, maxaa laga filayaa inay samayn doonaan markii ay muddo sii  joogaan oo shaqo bartaan? Sow ma qaadan doonaan lacagaha laaluushka ah oo la hubo in laga keeni doono waddamo shisheeye, shirkado calooshood u shaqaystayaal ah, iyo shakhsiyaad shisheeya iyo Soomaliba leh. Ma laga filayaa inay lacagaha noocaas ah diidi donaan oo ay u danayn doonaan dadka iyo dalka ay dhaarta ugu mareen inay ilaanin doonaan danihiisa si daacad ahna ugu shaqayn doonaan?

Sida xaal gadaal ka noqon doono Allaa og laakiin hadda reer Puntland waxay isku raaceen in xildhibaanadaan kuwa ka liita aysan hore u soo marin Puntland

Ceeb aan hore loo arag – 41 Xildhibaan oo ka maqnaa khudbadihii murashixiinta

Waxaa yaab iyo amakaag noqotay in 41 xildhibaan ay ka maqnaayeen khudbadihii ay jeedinayeen 21-kii murashax ee u tartamayay madaxwaynanimada. Waxa dabadeed la soo ogaaday in xildhibaanadii maqnaa ay saf ugu jireen Dahabshiil si ay u soo qaataan lacagihii ay ku iibsadeen codkooda.

Ceebta saddexaad – dhulbahante oo qaddiyadoodii siistay lacag

Markii tar-tanka doorashada uu soo galay Dr. Cali Ciise, Soomaali oo dhan waxaa gashay rajo ah inuu ku guulaysto doorashada maadaama uu ahaa ninka ugu bisilaa, uguna aqoon iyo khibrad badnaa raggii tartamayay. Aqoonta iyo waayo aragnimada Dr. Cali Ciise u lahaa dib u dhiska, maaraynta, iyo kocinta dhaqaalaha waxay ahayd wax si gaar ah Puntland xilligaan ugu baahnayd maadaama ay labaatankii sanoo ay dhisnayd ay ka bixi wayday musuq-maasuq, bur-bur dhaqaale, iyo takri fal hantida guud.

Laakiin, in la doorto Dr. Cali Ciise iska daaye, reerkii uu ka dhashay oo lahaa 17 cod, ayaan xataa siin hal cod. Haddii uu heli lahaa codkooda, waxaa suurogal noqon lahayd inuu u soo gudbo wareegga labaad, dabadeedna uu helo jaanis uu ku guulaysto jagada madaxwaynanimada (Akhri Ma tuurnaa qabiil oo dooranaa Dr cali Ciise Cabdi).

Ayaan darro, ma dhicin inuu helo codkii xildhibaanada reerkiisa. Hal cod oo ka yimid beel kale ayuu helay. Sidaas buuna Dr. Cali Ciise ku haray wareeggii kowaad, Puntlandna sidaas bay gacanta ugu gashay Aaran Jaan, seeddiyaasha Somaliland, iyo xildhibaano aan lahayn bisayl siyaasadeed, mid shaqo, mid aqoon, mid diin, mid waddaninimo, mid xishood, mid xalaal quudasho, mid aragti dheeri, iyo mid u hiilin jiilasha dambe.

Xildhibaanadii dhulbahantana waxay halkaa kala hoydeen astaan ku dhegtay oo ah qaddiyad la’aan, hiil la’aan iyo laaluush qaadasho.

Mudaharaadyo looga soo horjeedo Deni iyo Baqdin la qabo mustaqbal xumo ku dhacda Puntland

Taariikhda Soomaaliya hore ugama dhicin in madaxwayne la soo doortay ay ku mudaharaadaan reerkii uu ka dhashay. Laakiin markii ugu horraysay waxaa dhacay 8-dii Janaayo 2019-ka oo ahayd maalintii madaxwaynaha maamulka Puntland loo doortay Siciid Cabdullahi Deni, mudaharaadyo reerkiisu uga soo horjeedaan doorashadiisa.

Mudahaardyadu waxay salka ku hayeen diidmo la diiddan yahay cidda Deni siyaasad ahaan ku xiran yahay, waxa uu aamminsan yahay, cidda maal galisay doorashadiisa, iyo baqdin laga qabo siyaasaddiisa ku dhisan danta saaxiibada iyo kooxaha gaarka ah ee ay isku xiran yihiin ee ka caawiyay guusha doorashadiisa.

Guusha madaxwayne Deni waxay dadka reer Puntland ku abuurtay wel-wel, walaac, iyo baqdin laga qabo colaado iyo cawaaqib xumo dhaqaale oo soo fool saarta Puntland. Waxaa la saadaalinayaa in bur-bur dhaqaale yimaado, shilling Soomaaligu sii qiimo beelo, warshaddii lacagta ee Gaas sii shaqayso, dawladda Denina gacan saar dhow la yeelato maamul goboleedyada si loo wiiqo awoodda dawaldda dhexe.

Xiriirka shirkadda Towfiiq iyo Deni – Yaa leh shirkadda Towfiiq?

Shirkadda Towfiiq waxaa iska leh ganacsato badankoodu ka tirsan yihiin ururka Isaamiga ah ee Al-Islaax oo uu Deni laftiisu ka mid yahay. Towfiiq waa shirkaddii Deni u dirtay Malaysia oo ka bixisay waxbarashadii heerka labaad ee jaamacadda (Master degree). Waana halkii uu ka shaqo bilaabay markii uu waxbarashadii soo dhamaystay oo dib ugu soo laabtay Puntland. Deni wuxuu Towfiiq ka noqday maamulaha shirkadda, halkaas oo uu khidmad (commission) wanaagsan ka qaadan jiray, sidaasna uu lacag badan ku sameeyay.

Sidaa awgeed, waxaa aad loo saadaalinayaa in shirkadda Towfiiq ay aad uga faa’idi doonto maalgalintii murashaxnimadii Deni.

Xiriirka ka dhexeeya Aaran Jaan, Saracen international, iyo Deni

Aaran Jaan waa ganacsato lagu tilmaamo inay yihiin kuwo aan waxna u aaba yeelin (corrupt and immoral). Ragg ku jira boardka Aaran Jaan baa sidoo kale qaar ka mid ah ay ku jiraan boardka Saracen (why is Saracen in Puntland), iyo kan Towfiiq. Ragga ugu magac dheer kooxdaan waxaa ka mid ah madaxwaynihii hore ee Puntland Cabdiraxaman Faroole, wasiirkii Faroole ee maaliyadda, Farax Cali Shire oo 2019-ka  u tartamayay madaxwaynanimada, iyo Deni oo ah madaxwaynaha la doortay 2019-ka

TV-yada baynu ka wada daawanaynay markii Farax Calis Shire ku haray wareeggii labaad in isaga iyo Faroole ay ku heshiiyeen in xildhibaanadii u codeeyay Farax Cali Shire lagu wareejiyo Deni.

Hadafka koowaad ee kooxda Aaran Jaan waxa weeye sidii ay lacag u samayn lahaayeen,  iyadoo aan loo aabo yeelayn qaabka loo samaynayo, iyo cidda laga samaynayo, iyo sida ay sharciga u waafaqsan tahay samaynta lacagtaas. Kooxdaan waa isla kooxdii haraysay oo gacanta ku haysay dawladdii Faroole.

Haddaba maadaama Deni lagu tilmaamo inuu yahay nin jilicsan oo hadba dhankii la rabo loo jeedin karo, waxaa la saadaalinayaa in kooxdaani saamayn wayn ku yeelato maamulkiisa, danahoodana si buuxda uga fushan doonaan.

Yay faa’ida u tahay doorashada Deni

Shaki la’aan, doorashada Deni waxaa ka faa’idi doona Aaran Jaan, Towfiiq, Saracen, iyo kooxaha kale ee gacan saarka ay isla leeyihiin. Waxaa la filayaa in kooxahaan heli doonaan qandaraasyada dawladda Puntland ay bixin doonto, isla markaana ay gebi ahaanba gacanta ku dhigi doonaan ilaha dhaqaalaha Puntland, la talinta iyo u dhowaanshaha maamulka Deni.

Waxaa kaloo faa’ido ku qabi doona doorashada Deni,  Imaaraatka, Dam Jadiid, Dahabshiil, Somaliland, iyo maamul goboleedyada oo kulligood taageero hiil iyo hooba leh siiyay doorashadiisii.

Doorashada Deni waxay dhabar jab ku noqon kartaa dadaadallada dawladda dhexe waddo, dadka jecel midnimada iyo horumarka Soomaaliya, iyo dadka reer Puntland ee filayay in la doorto madaxwayne ka wanaagsan Cabdiwali Gaas.

Sidee loo jebiyay murashax Engineer Jebiye

Engineer Jebiye  waxaa qabsaday dhowr arrimood oo sababay inuu guulaysan waayo:

  • Kala daadsanaan iyo maamul xumo ka jirtay campaign-kiisa
  • Kalsooni uu ku qabay inuu isagu guulaysan doono.
  • Xildhibaannadii lacagta ka qaatay oo ballantii uga baxay maadaama uusan dhaar adag marsiin

Sidee looga adkaaday Cali Xaaji iyo Dr. Cali Ciise

Inkasta oo labo Cali aysan laaluush bixin haddana xildhibaano badan bay ka haysteen kalsooni ah inay u codayn doonaan. Hase yeeshee isla xildhibaanadii ballanta la galay ayaa lacag ka soo qaatay murashixiin kale oo laaluush bixinaysay, dabadeena waxaa khasab noqtay inay ballantii uga baxaan labo Cali oo u codeeyaan kuwii ay lacagta ka soo qaateen.

Sidee looga adkaaday Gen. Asad

General Asad guushu isha baalkeeda aayy u soo martay. Mar haddii labo qof aysan halkii jago ee loo tar-tamayay ku wada guulaysan karin, nasiibkii wuxuu noqday inuu isagu haro, Denina guulaysto. Waxaase jirta hal wax oo la hub. Xildhibaankii Generalka lacagta ka cunay laakin aan u codayn ma joogi doono Garowe haddii aysan iska soo celin lacagtiisii.

Dhanka kale, Generalk Asad waxba kama hallaabin waayo tijaabadii kowaadna meel fiican buu soo gaaray, toban sano ka dibna haddii uu sii noolaado, caafimaadna qabo, wuxuu isa sharrixi kari doonaa isagoo shuruudii da’da saxda ah soo buuxiyay.

Xiriir noocee ah baa dhex mari kara Deni iyo Dawladda dhexe

Haddii Madaxwayne Deni uu sii wado abaabulkii Cabdiwali Gaas  ee ahaa in maamul goboleedyadu isu kaashadaan si ka dhan ah dawladda dhexe, waxaa sii socon doona carqaladda hadda dhex taal dawladda dhexe iyo maamul goboleedyada. Taasina waxay keeni doontaa inuu dibu dhac ku yimaado ama la gaari waayo horumar badan oo la hiigsanayay iyo rajo badanoo wanaagsan oo laga qabay in Soomaaliya u dhisanto dawlad ka shaqaysa danta dadka iyo dalka.

Maxaa xal u noqon kara oday dhaqameedyada iyo xildhibaanada laaluuska qaata

Sida keliya ee looga bixi karo dhibaatada oday dhaqameedyada iyo xildhibaanada laaluuska qaata waxa weeye.

  • in bulshada lagu wacyi galiyo in laga guuro nidaamka oday dhaqamdeedyada.
  • in la hirgaliyo nidaamka qof-iyo-cod oo dadku toos u doortan madaxdooda.
  • in la sameeyo sharciyo xaddidaya fara gelinta shirkadaha xawaaladaha iyo isgaarsiinta. Tusaale ahaan, Shirkadda Dahabshiil waxaa caado u ah inay 500 oo kun ilaa 1 milyan oo doolar ay sooryo ahaan ugu keento hadba ninkii ku guulaysta Puntland.

Oday dhaqameedyada hadda jira way lumiyeen dhaqankii, xeerkii, iyo anshixii wanaagsanaa ee lagu yiqiin raggii hore. Haddii aan laga gudbin nidaamka ah inay umadda u taliyaan odayaal aan aqoon diineed iyo mid maaddi ah midna lahayn, xalaal iyo xaaraan aan kala jeclayn, cadaalad samaynayn, Alle ka baqayn, waddaniyad lahayn, waxaan halis loogu jiraa inaan halaag ku dhacno.

Dhibaatada oday dhaqameedyada oo biirsatay tan xildhibaana dhallinta yar oo labadiiba ay dadkoodii iyo dalkoodii siisanayaan lacag yar oo maalmo ama bilo gudahood ku dhamaanaysa, waa labo musiibo oo aan laga kici karin haddii aan si deg deg ah wax looga qaban.

Gaba-gabo

War iyo dhamaanti, qofba si buu u arkaa guusha iyo cidda heshay. Indhow garadka qabiiliga ah wuxuu u arkaa in shanta sano ee soo socota guul u soo hoyatay Deni, Cisman Maxamud, Maxamud Saleeban, Aaran Jaan, Faroole, iyo Faarax Cali Shire, iwm.

Anna waxay ila tahay wax badan baa nin la fududaysanay raad reebya oo ka tagay taariikh wanaagsan oo dhaxal gal ah ee yaan lagu deg-degin in baal madow la geliyo Deni.

Allaha ka dhigo kii bed-baadiya dadka iyo dalka Soomaaliya

W/Q: Axmed Bashir

WARARKA MAANTA 15ka Diseembar 2018 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa ciidanka AMISOM Somalia u adeegsaday in la soo xiro Shiikh Mukhtaar Rooboow si looga reebo tartanka doorashada Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed? Yaa masuul ka ah dhibka ka dhacay Baydhabo? ? Maxay tahay sababta khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” Iyo dhowrkan Wasiir ee la qaraabata kuwaasoo $ 50kii milyan ee dalka Sacuudiga ugu deeqay dalka Soomaaliya ay $42 milyan oo kamid ah ilaa iyo hadda la hadal hayo dhibkii iyo qaskii siyaasaddeed ay dalka dhex geliyeen? Maxay tahay sababta khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” u khaladayaa Ummadda Soomaaliyeed asagoo horay u yiri waxaanu dhexdhexaadka nahay siyaasadda waddamada gacanka Carabta asaga iyo dhowrkan Wasiir ee la qaraabta ay haddu u joogaan dalka #Qatar inay $200 milyan oo horay ay ugu yaboohday dalka Soomaaliya inay si farsamaysan ku xadaan inta weli qaska ka dhex taagan yahay golaha shacabka oo guddiggii maalliyadda si khaldan oo aan sharciga waafaqsanayn loo kala diray? Yaase ku qasbay inuu Guddoomiyaha Aqalka Hoose ka guuro Villa Hargaysa oo uuu dego Hoteel taasoo caddaynaysay inay nimanka jooga dalka Qatar ay yihiin tuugo magaca Ummadda Soomaaliyeed ku qaraabanaysa oo laga rabo inay labada Aqal ee dalka si deg deg ah tallaabo sharciga waafaqsan uga qaadaan? Yaa noqon doona Madaxweynaha soo socda? Ama yaa noqon doona Raysal Wasaaraha soo socda? Yaa noqon doona Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee soo socda? Yaa xaday $42 milyan ee maqan? Yaase soo qaaday? Sidee loo xaday $42 milyan ee ay Guddigga Dhaqaalaha Aqalka hoose fashileen? Yaa amray in la soo xiro Shiikh Mukhtaar Rooboow si looga reebo tartanka Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed?

Muqdisho 15ka Diseembar 2018  Dadaallo kala duwan oo lagu xalinaayo Khilaafka ka dhashay Mooshinkii laga keenay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka bilowday Magaalada Muqdisho.

Dadaallada ayaa waxa wadda xildhibaano ka tirsan Golaha Aqalka Sare iyo sidoo kale qaar ka mid ah Waxgaradka Soomaaliyeed, waxaana ay booqdeen Guriga Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho.

Sanater, Cabdirisaaq Cismaan Xasan Guurinle, Cabdi kaafi Macallin Xasan , Cabdi Axmed Dhuxulow, Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex, Cabdullaahi Cabdi Garoon ,Yuusuf Geelle Ugaas ,iyo Sanater Cabdirisaaq Axmed Cali oo ka mid ah Golaha Shacabka ayaa ku howlan xalinta Khilaafka ka dhex taagan xildhibaanada Golaha Shacabka iyo waliba Mooshinkii laga keenay Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa sidoo kale muuqda Khilaafka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo ku xigeenadiisa oo kasoo horjeedda Mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo.

Odayaal ka mid ah kuwo ugu Caansan Soomaaliya ayaa maanta booqday guriga Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,kuwaasoo kala hadlay Khilaafka Baarlamaanka iyo waliba Mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo.

Baydhabo 15ka Diseembar 2018 Waxaa maalintii seddexaad banaanbaxy rabshado wata ay ka socdaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, banaanbaxyaasha ayaa kasoo horjeeda xariga Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Waxay dadka banaanbaxa dhigaya gubeen taayaro badan, iyadoo magaalada ay roqotay Uuro madow, Dhagxaan badan iyo nadaafad daro, sida ka muuqata muuqaalada magaalada Baydhabo.

Abaabulka dadka banaanbaxa dhigaya ayaa waxaa wada dhalinyaro kasoo horjeeda qaabka loola dhaqmay Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, waxaana ay sheegeen inay sii wadi doonaan banaanbaxyada inta laga sii deynayo Abuu Mansuur.

Boorar ay ku xardhan yihiin sawirada Roobow oo lagu dul qoray “xoriyad siiya Mukhtaar” ayaa lagu dhajiyay waddooyinka waaweyn ee magaalada Baydhabo, waxaana la ogeyn sida xaalka isku badali doono.

Maalintii seddexaad magaalada Baydhabo waxay ku jirtaa marxalad ka duwan siday aheyd Todobaadkii hore, ilaa iyo haddana ma muuqato xal lagu qancin karo dadka banaanbaxyada dhigaya.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Koofur Galbeed ayaa baaq Afka aan dhaafsiisneyn kasoo saaray xaalada Baydhabo, iyaga oo dalbaday in dadka ay dajiyaan xaalada magaalada Baydhabo.

La soco daqiiqad walbaa waxii kasoo kordhaa Xaalada Baydhabo Insha Allah

Muqdisho 15ka Diseembar 2018 Beesha Caalamka ayaa qoraal xasaasi ah kasoo saartay xaaladda kacsan ee maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo, halkaasi oo ay ka dhaceen shaqaaqooyin ka dhisay xarigga ay dowladda Soomaaliya ay kula kacday Mukhtaar Roobow.
Muqdisho 15ka Diseembar 2018 Qoraalka ayaa lagu sheegay in beesha caalamka ay tacsi tiiraanyo leh ka direen geerida xubin ka mid ah Baarlamanka Koonfur Galbeed iyo dadkii kale ee ku dhintay rabshadaha Baydhaba ka socda, kuwaasoo qarxay markii ciidamada Itoobiya ay xireen Mukhataar Roobow, kadibna loo duuliyay Muqdisho khamiistii.
“Waxaan ka soo horjeednaa rabshadaha iyo falalka kale ee ka sii dari kara xaaladda bani’aadamnimada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka beesha caalamka, kaasoo aan lagu soo hadal qaadin xariga Roobow.
Qoraalka ayaa lagu sheegay inay muhiim tahay in la raaco hanaankii lagu heshiiyay ee doorashada, waxaana loogu baaqey dhinacyada inay xushmeeyaan lana shaqeeyaan guddiga doorashada Koonfur Galbeed. “Waxaan dhiirigelineynaa wada-hadal wax ku ool ah si loo xaliyo khilaafaadka siyaasadeed, lagana hortago caqabadaha kale si loo hormariyo horumarka siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka,” ayaa lagu soo gaba-gabeeyay warka kasoo baxay saaxibada beesha caalamka.

Qoraalkanka waxaa soo saarey Denmark, European Union, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Kenya, the Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, Turkey, Uganda, United Kingdom, United States, AMISOM iyo the United Nations.

Muqdisho 15ka Diseembar 2018 Wakiilkii hore ee xoghayaha guud ee QM ee Soomaaliya Michael Keating ayaa ka hadlay mooshinka xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ay ka gudbiyeen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Si kastaba, marka aad eegto Soomaaliya, nasiib darro waa astaan muujineysa suuq siyaasadeed oo caan ku ah gacmo badan oo la isku dhaafsado lacag aan la ogeyn halka ay ka yimaadeen” ayuu yiri Keating,

Keating waxa uu sheegay in mooshinka Farmaajo uu astaan u yahay walaac ku saleysan qabyaalad iyo loolan loogu jiro kuraasta xukunka iyo sidii awoodda gacanta loogu dhigi lahaa.

“Waxaan rumeysanahy in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka bad-baadi doono mooshinkan” ayuu yiri

“Saddexdii sano ee aan joogay Soomaaliya waxaan marar badan arkay mooshino noocan oo kale ah oo laga keenay ra’iisul wasaareyaal iyo madaxweyne, marka la-yaab maaha” ayuu yiri Michael Keating oo xafiiska QM ee Soomaaliya ka tegay bishii October.

Keating oo wareysi siiyey taleefishinka Jarmalka ee DW, ayaa sheegay in mooshin cod kalsooni oo Farmaajo laga keenay aanu macnaheedu ahayn xasilooni darro siyaasadeed, oo dalal badan oo caalamka ah ay taas oo kale ay ka dhacdo, sidii dalka Britain oo kale oo toddobaadkan ay ka dhacday markii xisbiga muxaafadka ay cod u qaadeen ra’iisul wasaare Theresa May.

Muqdisho 15ka Diseembar 2018 Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku dhawaaqay waqtiga dowladda Qatar ay bilaabeyso fulinta Mashaariicda qaar oo la fulinayo Soomaaliya.

Xasan Cali Kheyre oo la hadlayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Qatar ayaa shaaciyay in dhamaadka sanadkaan 2018 oo Maalmo ay ka harsan yihiin la bilaabi doono dhismaha waddooyinka Jowhar iyo Afgooye ku xera magaalada Muqdisho.

Mashruucaasi oo dowladda Qatar ay maalgelineyso ayuu sheegay in qorshaha uu yahay in lasoo gabo gabeeyo dhamaadka sanadka 2019, taasi oo qeyb ka noqon doonto horumarada dowladda ay sameyneyso.

Wuxuu sheegay in dhismaha waddooyinkaasi dhaqaalaha ku baxaya ay bixin doonto dowladda Qatar, islamarkaana dowladda Soomaaliya wax dhaqaalo ah ku bixin doonaa in Amaanka ay xaqiijiso Mooyee.

Mashaariicda kale ee Qatar dhisi doonto waxaa kamid ah Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Qorsheynta iyo Xaruntii Xisbiga, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ugu Dambeyn Kheyre, ayaa sheegay in heshiisyada Cusub ee ay la galeen dowladda Qatar inay ku jiraan isku xirka Bangiyada Soomaaliya iyo Qadar, isku xiranka Ganacsiga, Ammaanka, iskaashiga dhaqaalaha, Maalgashiga iyo kuwo kale.

Muqdisho 15ka Diseembar 2018 Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka ee NISA ayaa la sheegay inay la wareegtay Gaari dagaal iyo ciidamo ilaalo uu ahaa la-taliyaha guddoomiyaha Baarlamanka Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac)  oo hore u ahaa taliye ku xigeenkii NISA.

Wararka ayaa sheegay in ciidamada NISA ay u dhacen xarun uu degan yahay taliye ku xigeenkii hore ee NISA Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo loo yaqaano (Jaamac), iyadoo kala wareegay Gaari, isla markaana xabsiga u taxaabay ciidamo ilaa 7 askari ah oo ilaalo u ahaa kuwasoo uu hore u heystay.

Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa ah nin aad ugu dhow guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh, waxaana la sheegay inuu ka mid yahay xubnaha guddoomiyaha xiiligan la safan, qeybtana ka ah qorshaha mooshinka xil ka qaadista Madaxweyne Farmaajo.

Saraakiil ka tirsan NISA ayaa laga soo xigtay in gaariga iyo ilaalada lagala wareegay Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ay markii hore laheyd NISA haatana ay dib ula soo laabatay.

Muqdisho 15ka Diseembar 2018 Taliska ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa war kasoo saaray qalalaasihii ugu dambeeyay ee ka dhashay xariga Mukhtaar Roobow oo Khamiistii ka dhacay magaalada Baydhabo.

Qoraal kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay inaysan wax doo ahr ku laheyn xariga Baydhabo loogu geystay Mukhtaar Roobow iyo usoo wareejintiisii magaalada Muqdisho oo hadda uu ku xiran yahay.

Madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Francisco Madeire ayaa sheegay in ciidamada AMISOM aysan door ku laheyn xariga Mukhtaar Roobow, wuxuuna sheegay inaysan marnaba ka gudbeyn howlgalka ay u joogaan Soomaaliya.

“Waxaan dhowreynaa Xushmadda iyo aqoonsiga madaxbanaanida Soomaaliya, waana sii wadeynaa inaan dhowro, ciidamadeena wax door ah kuma laheyn xariga ka dhacay Baydhabo”ayaa lagu yiri qoraalka AMISOM.

Ciidamada Dowladda Ethiopia ayaa la xaqiijiyay inay door ku lahaayeen xariga Mukhtaar Roobow, laakiin AMISOM ma aysan xaqiijin in ciidamadaasi ay AMISOM ka tirsan yihiin iyo inaysan ka tirsaneyn.

Qalalaasaha ka dhashay xariga Mukhtaar Roobow ayaa sababay dhimashada xildhibaan ka tirsan baarlamaanka koofur Galbeed iyo dad shacab ah, waxaana wali taagan xiisadda ka dhalatay arintaasi.

India 15ka Diseembar 2018 Dowladda India ayaa markale sheegtay in mid kamid ah maraakiibtooda dagaalka uu gacanta ku dhigay doon kaluumeysi oo hub badan uu saarnaa, sida qoraal kasoo baxay lagu sheegay.

Markabka dagaal ee India oo lagu magacaabo Sunayna ayaa la sheegay in markale uu meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya ku qabtay doon Kaluumeysi oo hub lagu qariyay, taasi oo noqoneyso doontii Labaad oo ay qabtaa

Qoraal kasoo baxay dowladda India ayaa lagu sheegay in markabkooda Doonta uu ku qabtay shan qori oo ay ka midyihiin AK47 iyo Rasaas gaareysa 471 Xabo, waxaana ay sheegeen inay sii daayeen kooxda Hubka wadatay markii ay hubka ka reebeen.

Markabka INS Sunayna ayaa bishii October ee sanadkan howlgal ka billaabay biyaha Soomaaliya, waana markii labaad oo uu Hub ku qabto Xeebaha Soomaaliya, sida qoraalka lagu sheegay.

Xeebaha Soomaaliya oo hadda ay ku yaraadeen weerarada kooxaha burcad badeeda waxaa ku sugan maraakiib badan oo dagaal kuwaasi oo dalal kala duwan, lana dagaalamaya Burcad badeeda.

Sidaasi oo ay tahay xeebaha Soomaaliya waxaa ka socdo kaluumeysi sharci daro ah oo dhaqaalo badan laga sameeyo sanad walbaa, mana jiro cid wax iska weydiiso.

https://www.youtube.com/watch?v=EqlEzXG_Qvs

WARARKA MAANTA 8da Agoosto 2018 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta: Maxuu khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” u difaacay Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda oo uu xafiiska xeer ilaaliyaha qaranka iyo xafiiska hanti-dhowrka labaduba ku haystaan musuqmaasuq baahsan oo uu qeyb weyn ka yahay khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade”? Yaa noqon doona raysal wasaaraha soo socda? Maxayse beesha beesha caalamka ugu diiday inay wax dhaqaalo siiso xukuummadda fashilantay ee golihii wasiiradda mid mid loo bedelay halka kuwo kalena ay iska-casileen xilaalkii wasiirnimo kadib markii ay u dulqaadan waayeen musuqmaasuqa baahsan ee khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” ? Maxuuse noqon doona marka xilka laga qaado khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade”? Maxayse weli dowladda Soomaaliya u samayn ladahay Guddiga Garsoorka Qaranka Iyo Hay’adda Ladagaalka Musuqmaasuqa muddoo hal sanno iyo bar? Yaa lagu ciyaarayaa? Maxayse Dowladda Wada Dadban ugu tumanaysaa xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Ummadda Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaanba Djibouti Iyo Soomaaliya?
Muqdisho 8da Agoosto 2018 Dowladda Soomaaliya ayaa Qoraal ka soo baxay waxaa ay markii ugu horreysay ka hadashay khilaafka u dhaxeeya dowladdaha Sacuudiga iyo Canada.
Qoraal Afka Carabiga lagu daabacay oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya Soomaaliya si dhaw ula socto xaaladihii ugu danbeeyay ee ka soo kordhay xiriirka dowladdaha Sacuudiga iyo Canada.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ka soo horjeedo faragalin lagu sameeyay arrimaha gudaha Sacuudiga.
Sacuudiga ayaa Canada ku eedeysay faragalin ay ku heyso arrimaha gudaha Sacuudiga iyadoo Canada ay adeegsanayso dad u dhaq dhaqaaqa xuquuqda haweenka oo ku sugan Sacuudi Carabiya.
Dowladda  Soomaaliya ayaa sheegtay in ay rajeyneyso  in labada dowladood ka gudbaan khilaafaadkooda si xiriirkoodu u sii socdo oo saldhig u ah kalsooni iyo xushmad is dhaafsi.
Hoos ka Akhriso Qoraalka ka soo baxay Wasaarradda arrimaha dibedda Soomaaliya :
Muqdisho 8da Agoosto 2018 Wararka naga soo gaaraya xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xoogan lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM oo marayay Is-goyska SOS.
Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxu ahaa mid loo adeegsaday miino dhulka la galiyay, taasoo lagu weeraray gaadiid ay la socdeen ciidamada AMISOM oo goobta marayay.
Marka uu qaraxu dhacay kaddib ayaa waxaa bilaabatay rasaas xoogan oo ay fureen ciidamada la weeraray oo mid ka mid ah gaadiidkooda uu qaraxu haleelay.
Lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay qaraxa iyo rasaasta ay fureen ciidamada, hasse ahaatee dadka deegaanka ay wax ka dhaceen ayaa sheegay in uu khasaare jiro soo gaaray dad shacab ah laakiin aan dhab ahaan la kala ogeyn dhimasho iyo dhaawac.
Asmara 8da Agoosto 2018 Dowladda Itoobiya ayaa heshiis nabadeed la saxiixatay jabhadda hubeysan ee OLF.
Heshiiska ayaa lagu saxiixay magaalada Asmara ee caasimadda dalka deriska ah ee Eritrea oo saldhig u ah jabhaddaasi.
Wasiirka warfaafinta ee dalka Eritrea Yemane Gebremeskel ayaa sheegay in hadda wixii ka dambeeyay jabhadda OLF ay si nabad ah hawlaheeda siyaasadeed ugu qabsan karto gudaha dalka Itoobiya.
Jabhaddani ayaa bishii la soo dhaafay ku dhawaaqday xabbad joojin kaddib muddo sanado ah oo ay dagaal ba’ani kula jirtay dowladda Itoobiya.
ONF ayaa dooneysay in gobolka Oromia ee ay degto qowmiyadda ugu tirada badan dalkaasi Itoobiya ee Oromo uu ka tashado aayahiisa.
Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa dhawaan jabhaddani ka saaray liiska kooxaha argagixisada ahi.
Arrintan ayaa timid kaddib markii ra’iisalwasaaraha cusub ee dalkaasi Abiy Axmad uu la yimid isbadal siyaasadeed oo xal loogu raadinayo dhibaatada dalkaasi Itoobiya.
Xigasho/BBC
Addis Ababa 8da Agoosto 2018 Dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa si faah faahin ka bixisay waxa soo dadajiyay is badalka ka dhacay dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, kaddib markii tallada deegaanka laga wareejiyay Cabdi Maxamuud Cumar oo hadda ku jira gacanta dowladda Itoobiya.
Wasiirka Warfaafinta dowladda federaalka Itoobiya Axmed Shide ayaa sheegay in maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar ee ka arriminayay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya uu si is daba –joog ah isaga dhaga-mariyay fariimo kala duwan oo uga imanayay dowladda dhexe federaalka Itoobiya, gaar ahaan ra’iisal wasaaraha cusub Abiy Ahmed oo ku dadaalay ayuu yiri in dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya uu ka hana-qaado is badalka guud ahaanba uu dalku gallay.
‘’Waad og-tihiin safarkii uu ra’iisal wasaare Abiy uu ku tagay xarunta Jigjiga waxaa uu ahaa mid la doonayay in deegaanka looga hergaliyo Hormar waara, Dimuquraadiyad, iyo ilaalinta Xuquuqul Isaanka, isaga oo kulamo kala duwan oo arrimaha la xiriira la yeeshay dadka deegaanka iyo mamuulka intaba, gaar ahaan maamulka ayuu kala hadlay in is badalka guud ahaanba wadanka ka dhacay uu ka hergalo deegaanka Soomaalida, iyadoo ay taa ay socto hogaaminta deeganka oo koox yar ah waxaa ay ku tallaabsadeen in dhibaatooyin ballaaran uu deegaanku ka dhaco, magaalada Jigjiga iyo magaalooyinka kale-ba dad badan ayaa ku dhintay hanta badanna waa lagu boobay ayuu yiri ‘’Wasiirka Warfaafinta Itoobiya.
Wuxuu sheegay in dhibaatooyinkaa uu maamulka ka abuuray sida uu hadalka u dhigay deegaanka laga dhax-lay dhimasho, dhaawac, bur bur hantiyeed, boob iyo in la gubay dhismooyin badan oo kuwa diinta ah, isaga oo intaa ku daray in loo saaray arrimahan oo dhan guddiyo baaritaan deg deg ah ku sameeya.
‘’Kaddib markii ay dhibaatooyinkii bateen, maamulka meesha ka jir-na uu waxba ka qaban waayay dadka deegaanka waxaa ay ka codsadeen dowladda dhexe in lagu caawiyo sugida amniga, xaalada-na la dajiyo, dilka, barakaca iyo boobka ballaaran ee deegaanka socda-na la joojiyo, iyadoo la raacayo codsiga Shacabka, iyada oo la raacayo muhiimada ay leedahay in la sugo Amniga, ayeey dowladda Dhexe ee Federaalka Itoobiya waxaa ay go’aamisay in wasaaradda difaaca iyo hay’addaha kale ee amniga fara-galiyaan xaalada deegaanka’’ ayuu yiri Wasiir Shide.
Ciidamada Liyuu Booliis-ka dowlad deegaanka Soomaalida ayuu sheegay in loogu baaqayo in aysan ka qeyb-qaadan fowdada iyo dhibaatada ka jirta deegaanka, taa badalkeedana la shaqeeyaan ciidamada amniga sugaya.
Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xili maalintii shalay ciidamada militeriga Itoobiya ka qabteen magaaalada Jigjiga madaxweynihii hore ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo maalin ka hor xilkaa iska casilay.
Bosaaso 8da Agoosto 2018 Maareeye ku-xigeenkii Shirkada Isgaarsiinta Golis ee ka howlgasha degaanada Puntland ayaa caawa lagu dilay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.
Marxuum Cabdullaahi Cali Cumar ayaa waxaa la shegay iney toogasho ku dileen rag bastoolado ku hubeysan oo weerar ku soo qaaday, kuwaasoo markiiba ka baxsaday goobta.
Wararka ayaa sheegaya in marxuumka oo dhaawacyo halis ah loola cararay goobaha caafimaadka oo uu daqiiqado ka dib ku naf baxay.
Lama oga illaa hadda sababta loo dilay masuulkan iyo cida rasmiga ah ee ka dambeysa, mana jiro weli war ku saabsan dilkiisa oo ka soo baxay booliska iyo shirkada isgaarsiinta Golis oo ah shirkada ugu weyn dhinaca isgaarsiinta ee ka howlgasha degaanada Puntland.
Ciidamada amaanka Puntland ayaa goobta gaaray kuwaasoo wada howlgalo xooggan oo ay bku baadi goobayaan kooxaha dilka ka geystay.

WARARKA MAANTA 7dta Agoosto 2018 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta; Maxaad ka ogtihiin inay xukuummadda uu hoggaaminaayo khaa’inul waddan Eaysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” noqotay mida ugu musuqmaasuqa badan adduunka oo dhan taasoo ay si toos ah ay u diiday beesha caalamka inay siiso wax dhaqaallo ah tan iyo markii ay xilka qabatay ilaa iyo hadda? Meeqo wasiir ayaa iska-casishay markii ay u adkaysan waaeyeen musuqmaasuqa khaa’inul waddan Eaysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade”? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha soo socda? Waa meeqo shaqaalaha dowladda ee magaca dadweynaha wax ku cunna? Maxuuse khaa’inul waddan Eaysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” u diiday in gobalka Banaadir loo sameeyo maamul gobaleed? Yaa dilaya dhallinyaradda dalka dib ugu soo laabatay e ganacsiga ka furtay? Meeqo hay’addoo oo sharci-darro ah ayaa dalka ka dhex shaqeeya? Ma cadda ahay inay beesha caalamka kalsoonidii kala laabatay dowladda wada dadban ee uu xukuummaddeed hoggaaminaayo khaa’inul waddan Eaysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade”? Maxayse labada aqal uga hadli layihiin musuqmaasuqa baahsan ee khaa’inul waddan Eaysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” ? Is-casili waad fashilantay khaa’inul waddan Eaysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade!

Midowga 7da Agoosto 2018  Midowga Yurub Oo Kalsoonida Kala Noqonaya Dowladda Federalka Soomaaliya August 6, 2018

Dowladda hadda jirtaa ee Soomaaliya oo ee hogaaminayo Madaxwyene Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa lagu eedeeyay arimo kala duwan oo Midowga Yurub uu sheegay iney ku tumatay iskabadaa in lagu xadgudbee.

Arimo dhowr ah ayaa lagu heystaa Dowladda Soomaaliya hadii ay wax ka qaban weysanaya waxaa suuragal ah in cunaqabateyn la saaro .

Waxyaabaha Dowladda Soomaaliya lagu heysto waxaa kamid ah inay ku tumato Xuquuqda Aadanaha, waxay kaloo xukuumadda uu hogaamiyo Xasan Cali Khayre lagu eedeeyay inay caburiso saxaafadda madaxa banaan ee ka howlgasha deegaanada ay maamusho.

Qodobada ugu waa weyn ee Midowga Yurub Dowladda Soomaaliya ku heysto waxaa kamid ah.

Al Shabaab oo wali maamulaya qeybo kamid ah Soomaaliya xili in kabadan 22,000 oo ah ciidamada Midowga Africa ee AMISOM iyo kuwo Dowladda Fedralka Soomaaliya ka howlgalayaan dalka.

2.6 Million oo qof oo dalka ku barakacsan kadib abaarihii sanadadihii ugu dambeeyay ku dhuftay Soomaaliya oo aan heysan waxyaabaha aas-aaska u ah Nolosha, xili hay’ado caalami ah ay dowladda dhaqaale badan ku siiyaan arimaha Bini’adanimada.

Maleeshiya beeleedyada hubeysan iyo Al Shabaab oo si arxan-darro ah dilal uga geysanaya meelaha dowladda gacanta ku heyso waxaana sidoo kale ay geystaan kufsi, dilal aan baaritaan ku sameyn dowladda iyo ciqaab ay u geysanayaan cidda walbo oo ay is qabtaan iyagoo sidoo kale askareeya caruurta da’da yar.

Howlgallada Military ee ciidamada Dowladda oo ay dhibaato ka soo gaarto dadka shacabka ah iyo ciidamada dowladda oo xabsiga dhiga sabab la’aan dad aan waxba galabsan waxaana loo geysto jirdil iyo handadaad.

Al shabaab oo gudaha Soomaaliya ku diyaariya qaraxyada iyo weerarada ay ku qaadaan dalalka deriska la ah Soomaaliya sida dalka Kenya, iyadoo ay jirto in 14-kii October ay shabaabku ku dileen Muqdisho oo ah Magaalo madaxda Soomaaliya in kabadan 500 qof.

Ciidamada AMISOM oo ku xad gudbaya xuquuqda bini’aadanimada dadka Soomaaliyeed, waxna kama qabato Dowladda dalka hogaamisa sidoo kale waxeey dilaan dad shacab ah iyagoo kufsi badan ku haya dumarka ku nool goobaha magaalada kabaxsan oo ay ka howlgalaan.

Cadaalad darro ka jirta maxkamadaha Soomaaliya, waxaana maqan xuquuda aas aasiga ah ee uu isku difaaci karo qofka shacabka ah, iyadoo Maxkamadaha Militry-ga la soo taago dad shacab ah.

Ciidamada nabad sugidda iyo qaranka Soomaaliyeed (NISA) oo heysta awood balaaran oo ay ku sameeyaan baaritaanada iyo howlgaladda la amro iyadoo aysan jirin sharci haga taa oo sababi karta rabshado, kana dhasha ku xad-gudbka dadka ay Ciidamada NISA qabtaan.

Xakeemyo xuriyatul qolka, iyadoo loo hanjabayo weriyayaasha, waxaana xabsiga la dhigaa hubsiino la’aan, qaarkood waxaa lagu khaarijiyaa si qorsheysan, si lamid ah maamul goboleedyada dalka ayaa xira xarumaha warbaahineed ee maamulkooda hoos yimaada hadii ay ka hadlaan arimo jira.

Soomaaliya oo aan u diyaarsaneyn iney martigeliso qaxootigeeda soo laabanaya oo albaabada ka soo xiratay dowladda Kenya kuwoo oo ku noolaa xeryaha qaxootiga sida Dadaab Iyo Ifo.

Colaada dagaal ee ka taagan Gobalka Sool gaar ahaan deegaanka Tukaraq ee u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland oo dowladda Federalka aysan qaadin wax talaab ah oo lagu joojinayo.

Dad aan aqoon durugsan u laheyn oo ka howlgala xarunta dambi baaritsa CID-da oo laga rabay iney dabagal iyo baaritaan ku sameeyaan Kiiska kala duwan ee dhaca sida dilalka, qaraxyada iyo dhaawacyada ee ciidanka dowladda geystaan ama shacabka ay la kulmaan, waxaa meeshaas ka maqan qabiir yahao aqoon u leh howlaha dambi baartista.
Midowga Yurub oo Soomaaliya meel u saaray 286 million (€) Euro ka soo bilaabato sanadii (2014-2020) si wax looga qabto dib u dhiska Soomaaliya, nabadeynta dalka, helida cunada, waxbarashada iyo adeegyada muhiimka u ah dowladnimada, ayaa u muuqda kuwo shaqsiyaad u gacan galay kadib boorsoyinka ku shubta, sidoo kale EU-da waxeey soomaaliya u qoondeysay 120 Million oo Euro oo u gaar ah arimaha bini’aadanimada iyo 1000,000 oo Euro oo si deg deg ah loogu wareejiyay dowladda Soomaaliya markii dad badan oo shacab ah ku dhamaadeen weerarkii 14-kii October ee ka dhacay Muqdisho, sidoo kale Midowga Yurub waxa uu sheegay iney taageeraan Howlgalka AMISOM.

Qoraalkan waxaa si wadajir ah u soo saaray Baarlamaanka Midowga Yurub oo madaxda hay’ado caalami ah kaa shanaya, waxaana ay dalbadeen in si deg deg ah wax looga qabto arimaha ay soo gudbiyeen, waxaana suuragal ah in go’aan lama filaan ah laga qaato Soomaaliya oo ka imanaya Midowga Yurub, sida in la joojiyo dhaqaalaha faraha badan ee Miwdoga yurub oo kalsoonida lagala noqdo iyo in cunaqabaten la saaro Soomaaliya.

Wali dowladda Soomaaliya iyo maamullada kale ee dalka kama aysan jawaabin eedeynta loo soo jeediyay, oo ah midii ugu cuslayd oo Ururka Midowga Yurub uga timaada.

Muqdisho 7da Agoosto 2018 Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hergalisay meel aan ka fogeyn Ex Koontarool Afgooye magaalada Muqdisho kasoo si casri ah loo dhisay sida uu sheegay taliyaha ciidamada Asluubta Bashiir Maxamed Jaamac.

Xabsigan ayaa waxaa booqday mas’uuliyiin ka tirsan hay’addaha cadaallada dalka dowladda oo uu ka mid yahay guddoomiyaha maxkamada sare ee Soomaaliya, kuwaa oo ku soo wareegay qeybaha uu xabsigan ka kooban yahay.

Baashe Yuusuf Axmed oo ah guddoomiyaha maxkamada sare ayaa amaan u jeediyay ciidamada asluubta Soomaaliyeed isaga oo kula dardaarmay in ay halkooda ka sii wadaan howlaha adag oo ay u hayaan adkeynta laamaha cadaallada Qaranka. Xibsigan cusub ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee laga hergaliyo magaalada Muqdisho marka laga soo tago xabsiga dhexe oo ah hadda kan kaliye ee loo adeegsado maxaabiista, madaama uu xabsigii labaad ee lagu xiri jiray maxaabiista xiligii ay jirtay dowladdii dhexe uu hadda isku badalay wixii bur burkii ka danbeeyay xarun caafimaad oo loo yaqaanno Isbitaalka Keysanayeen.

Muqdisho 7da Agoosto 2018 Wararka naga soo gaaraya degmada Waabari ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in rag ku hubeysan bastoolado ku toogeen meel aan ka fogeyn hoygiisa askari ka tirsanaa ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in gaar ahaan askarigan lagu toogtay xaafadda Buundooyinka ee degmada Waabari, xili uu ka soo baxay gurigiisa, waxaana markiiba goobta ka baxsaday raggii toogashada geystay.

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta ay toogashada ka dhacday kuwaa oo markii danbe ka qaday halkaa meydka askariga ka tirsanaa ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Dilalkan ayaa imanaya xili maalmihii ugu danbeeyayba ay sii kordhayeen weerarrada isugu jira Qaraxyada iyo dilalka ka dhacaya magaalada Muqdisho

Muqdisho 7da Agoosto 2018 Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa xukun deg deg ah ku soo rogtay degaanka Soomaalida Itoobiya oo maalmihii la soo dhaafay ay ka jireen qalalaase iyo rabshado.

Talaabadan ayaa ka dambeysay markii uu is casilay madaxweynihii maamulkaasi Cabdi Maxamuud Cumar, lana magacaabay madaxweyne cusub oo ku meel gaar ah.

Wasiirka Warfaafinta Itoobiya ayaa warbaahinta dalkaas kaga dhawaaqay xukunka degdega ah ee degaanka Soomaalida Itoobiya lagu soo rogay, waxaana ciidamada milateriga Itoobiya oo si weyn u hubeysan ay la wareegeen magaalooyinka waaweyn ee maamulkaasi sida Jigjiga iyo Diridhaba.

Dhinaca kale, Madaxweynaha cusub ee maamulka Soomaalida Itoobiya Axmed Cabdi Maxamed ayaa sheegay in la soo celinayo amarka iyo kala dambeynta, isagoo shacabka ugu baaqay iney nabada ka shaqeeyaan.

Madaxweynaha cusub ayaa sheegay in madaxweyanaha xilka ka iska casilay Cabdi Max’ud Cumar oo caafimaadkiisu wanaagsan yahay, wuxuuna intaasi ku daray in Cabdi uu weli yahay madaxa Xisbiga dimoqraadiga shacbiga Soomaalida Itoobiya ee ka arrimiya dhulka Soomaali galbeed.

Jigjiga 7da Agoosto 2018 Madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Axmed Cabdi Maxamed oo war kooban siiyay warbaahinta ayaa ka hadlay xaaalada madaxweynaha xilka ka degay Cabdi Maxamuud Cumar.

Wuxuu sheegay in Cabdi Maxamuud Cumar uu badqabo islamarkaana ku sugan yahay sida uu hadalka u dhigay magaalada Jigjiga, waxaana uu intaa ku daray in uu wali yahay hogaamiyaha xisbiga tallada haya ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa galinkii danbe ee maanta ku dhawaaqay in uu xilka ka degay, kaddib markii uu soo ifbaxay khilaaf xoog leh oo soo kala dhax-galay maamulka uu madaxweynaha ka ahaa iyo dowladda dhexe ee federaalka Itoobiya.

Madaxweynaha cusub ee tallada la wareegay oo ah nin dhalinyaro ah waxaa uu dhashay 1986 waxaa uu horay u ahaa Wasiirkii Maaliyada dowlad deegaanka isaga oo waxbarashadiisa heerka Jaamacadeedna ku soo kala qaatay magaalooyinka Dirir-Dhawa iyo Bahardar ee dhulka Ismaamulka Itoobiya

Dhinaca kale magaalada Jijiga ayaa laga maqlay rasaas ay radiyeen ciidamada dowladda federaalka Itoobiya ee gudaha u galay magaalada kuwaa oo kala erayay dad doonayay in ay boob –geystaan.

https://www.youtube.com/watch?v=Olhk0yDZXvk&t=1963s

WARARKA MAANTA 5ta Agoosto 2018 Sir Culus!
Su;aalaha Maanta: Maxuu Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Axmed C. Daahir ugu baaqay inuu is-casilo khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” oo xafiiskii Raysalaha Wasaaraha Iyo Golihiisa Wasiiradda ay noqdeen kuwa ugu musuqmaasuqa badan xitaa keenay Wasiiro horay ugu fashilmay wasaaraddo kale oo uu maanta dib ugu magacaabay xilal wasiirnimo ayadoo khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” amray in Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Mudane Mukhtaar Mahad Da’uud oo uu amar ku siiyey inaysan ciidanka booliska soo xirin si musuqmaasuqa baahsan ee khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” loo qariyo? Maxay tahay sababta uu Raysal Wasaaraha Ethiopia ugu diray ciidamada federaalka Ethiopia inay si aan waafaqsanayn sharciga iyo dastuurka dalkaas ay xoog ku weeraraan deegaanka Ismaamulka Somalida asagoo u diray ciidamo u badan Oromo? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha soo socda? Maxa ka dhacay xafladii soo dhaweynta Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Khaa’inul Wadddan Mr. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Minneapolis lagu bahdliay kadib marii xitaa shaqsiyaad ay isku-qabsadeen Mikarifoonka/cod-baahiyaha? Maxaa fashilay dowladda wada dadban ee uu hoggaaminaayo khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade”?
Muqdisho 5ta Agoosto 2018 Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Xassan Cali Kheyre goor dhaw magacaabay tiro wasiiro ah isaga oo buuxiyay boosaskii horay uga bannaanaa xukuumadda.
Wasiirka Waxbarashada ayaa loo magacaabay Cabdullaahi Goodax Barre oo badallaya Wasiirkii hore Cabdiraxmaan Daaahir Cismaan oo todobaad ka hor xilka laga qaaday.
Wasiirka Xanaanada Xoolaha ayaa loo magacaabay Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen Badni, halka Wasiirkii xilkaasi hayay Sheekh Nuur Maxamed Xasan loo magacaabay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta.
C/llaahi Bidhaan Warsame Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka dalka, iyadoo xilkaas laga qaaday C/raxmaan Cabdi Xaashi
Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Cabduqaadir Sheekh Baqdaadi, waxaana xilkaa laga qaaday oo horay u hayay Khilaaf Cabduqaadir Macalin Nuur.
Magacaabistan ayaa imaneysa xili dhawaan ay xilalka xukuumadda banneeyeen tiro dhowr ah oo Wasiiro ah oo ugu danbeeyay Wasiirkii Waxbarashada uu xil ka qaadis ku sameeyay ra’iisal wasaaraha.
Jigjiga 5ta Agoosto 2018 Wararkii ugu danbeeyay ee xiligan naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in saakay jidadka magaalada soo dhoobteen ciidamo Booliis ah, gaar ahaa kuwa rabshadaha ka hortaga.
Ciidamada oo raxan raxan u socda ayaa gaaf-wareegaya guud ahaanba magaalada, waxaana la sheegay in intooda badan ciidamada-ni yihiin Soomaali.
Shalay waxaa magaalada ka dhacay rabshado xoogan oo ay dhigayeen dad-weyne isku soo baxay oo diidanaa awooda militari ee loo isticmaalay magaalada, taasoo keentay in markii danbe ciidamadi soo galay dib uga gurtaan.
Militariga oo dhinacooda hadlay-na waxaa ay sheegeen in sababta ay gudaha ugu galeen Jigjiga tahay in ay xaqiijiyaan nabad-galyada, wali-na ku taagan yihiin ka hortaga rabshado iyo amaan darro ka dhacda deegaanka.
Rabshadahii shalay dhacay ayaa lagu bililiqaystay tukaamo iyo bangiyo, waxaana dab la qabadsiiyay kaniisado iyo weerar lagu qaaday dadka aan Soomalida ahayn ee halkaasi ku noolaa, halka 10 qof ay ku dhinteen qalalaasahaasi.
Muqdisho 5ta Agoosto 2018 Xeer ilalaiyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir iyo Hnati Dhowraha Qaranka Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) oo wadajir shir Jaraa’id uqabtay waxey ka hadleen arinta Wasiir kuxigeenka arimaha dibeda Somaliya Muqtaar Mahad Daa’uud.
Dr Axmed Cali Daahir oo ugu horeyn hadalka qaatay ayaa sheegay in eedaha loo heysto Wasiirka ay yihiin kuwo sharci ah, isla mar ahaantaasina Maxkamad la horgeyn doono, si loogu qaado eedaha loo heysto.
Waxyaabaha ay ku hayaan ayuu sheegay iney qeyb ka yihiin; Ku Xadgudub Xatooyo Xoolo Dadweyne, Ku Xad gudub awood xafiiseed, ku daneysi shaqsiyadeed howlo Xafiiseed iyo diidid howlo Xafiiseed.
Waxa uu xeer ilalaiyaha sheegay ineysan marnaba aqbaleyn iney ka dhego fureystaan danbiyada ay qarankan ka galayaan Dadka xilalka dowladda ka haya, Wasiirka ayuu sheegay in eediisa ay eheyd mid mudo soo jiitameysay.
Dhinaca Kalena, Hnati-Dhowraha guud ee Qaranka  Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa sheegay in baarista Kiiska Wasiir Muqtaar ay soo bilaabatay Bilowgii Bishii April, taasoo ka dhigan iney soo socotay mudo 4 bil ah, waloow ay soo shaac baxday Saaka uun markii Ciidamo ay tageen Xafiiska Wasiirka.
Si Kastaba, Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Kheyre ayaa duhurnimadii maanta soo faragaliyay arintan oo cirka gashay markii ay qoryo iskula bexeen Ciidankii Wasiirka ilalainayay iyo sidoo kale Ciidankii Booliska ee loo diray iney soo xiraan Wasiir kuxigeenka.
Wasiirka arimaha dibeda Somaliya ayaa kal hore oo maanta ah sheegay in Ciidankii laga qadaay Wasaarada, Wasiirkana shaqadiisa uu si caadi ah uwato, iyadoo arintaasna loo xil saaray Taliyaha Ciidanka Booliska Janaraal Bashiir Cabdi Maxamed.
Lama oga waxa ay ku danbeyn doonto arintan, iyadoo wali gacanta Dowladda uu ku jiro Daahir Maxamed Nuur oo ahaa Agaaasimihii Waaxda Dib u dejinta barakacayaasha Wasaarada gargaarka oo 26kii bishii hore, xili habeen ah gurigiisa ay kala bexeen Ciidamada amaanka, waxaana loo heystay lunsashada lacag gaareysa $ 84,000 (Siddeetan iyo Afarkun oo Doollar).
Muqdisho 5ta Agoosto 2018 Wararka inaga soo gaaraya Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Federalka Somaliya ay dileen rag hubaysan oo watay gaari nooca raaxada ah.
Gaarigaan oo markii hore ciidanka ay ka shakisanaayeen ayaa la sheegay in laga eryaday agagaarka Isgoyska Banaadir, kadibna ciidamada ay isku rasaaseeyeen nawaaxiga Daarta Saybiyaano.
Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay ciidamada inay toogteen laba nin oo saarnaa gaariga, halka ciidanka uu soo gaaray dhaawac saddex askari ah, kadib markii ay israsaaseeyeen.
Goobta gaarigaan uu yaalo ayaa la xiray, waxaana jooga ciidamada Nabad Suggida dowladda Federalka Somaliya oo dadka u diidaya inay halkaasi tagaan.
Illaa hadda ma cadda ragga hubaysan ee gaarigaan watay waxa ay yihiin, maadaama wali aysan kala cadeyn Saraakiisha dowladda.
Magaalada Muqdisho ayaa Al Shabaab waxa ay ku dhex wataan gaadiid iyaga oo bartilmaameedsada ciidamada kala duwan iyo shaqsiyaadka dowladda ka tirsan.
Muqdisho 5ta Agoosto 2018 Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay Lix qof oo middi haweenay tahay kuwaas oo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.
Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir iyo Maamulka Degmada Yaaqshiid ayaa soo bandhigay lixda qof, laba Bistoolad, Shan Bambo, Computer iyo Codbaahiye, waxaa kale oo ay wateen Dukumiinti la sheegay in laga soo dhiibay Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe
Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo Siyaasadda Gobolka Maxamed Cabdullahi Tuulah iyo Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid,  Axmed Maxamed Xasan Geeddow ayaa ugu baaqay dadka deegaanka in ay iska hubiyaan dadka ay guryaha ka kireynayaan.
“Dadka kireeya guryaha waxaa looga baahan yahay in ay hubiyaan dadka ay ka kireynayaan.”Ayuu yiri Gudoomiye Tuulax.
Dadka la soo qabtay ayaa lagu wareejiyay Hay’adda dambi baarista ee C.I.D ee Muqdisho, halkaas oo baaritaan lagula sameynaayo.
Maamulka Yaaqshiid ayaa lixda qof ku sheegay in ay qirteen ka mid ahaanshaha Al-shabaab, waxaana lagu soo bandhigay Saldhigga Degmada Yaaqshiid ee Muqdisho.
 
Muqdisho 5ta Agoosto 2018 Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saakay ka dhoofay magaalada Muqdisho, waxa ayna u ambo baxeen magaalada Khartuum ee caasimada dalka Sudan.
Wafdiga Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa Sudan u aaday si ay uga qeyb galaan shirka nabadeynta Dowlada iyo Mucaaradka Koofurta Sudan, waxaa sidoo kale shirkan ka qeyb galaya Madax kale.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu waday in shirkan ka qeyb galo, hasa ahaatee Safarka Madxaweyne Farmaajo ku tagi lahaa dalka Sudan ayaa baaqday iyadoona badalka Madaxweynaha uu Sudan u ambo baxay Ra’isul Wasaare Kheyre.
Xasan Cali Kheyre ayaa inta uu Sudan joogo la kulmi doono Madaxda dalka Sudan iyo madax kale, waxaa sidoo kale la filaya ain Ra’isul Wasaare Kheyre la kulmo jaaliyada iyo Ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Sudan.
Jigjiga 5ta Agoosto 2018 Waxaa saakay wax xoogaa degan xaalada magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana magaaladaasi la geeyay ciidamo badan oo booliis ah oo amaanka xaqiijinaya.
Wadooyinka waa weyn ee magaalada Jigjiga ayaa saakay lagu arkayaa ciidamo booliis ah gaar ahaan kuwa rabshadaha ka hortaga, waxa ayna ciidamadan isku dayayaan in ay ka hortagaan in magaaladaasi mar kale ka dhacaan rabshado kale.
Shacabka magaalada Jigjiga ayaa inta badan saakay ku sugan guryahooda, waxaana xiran goobaha ganacsi ee kuyaala magaaladaasi kuwaa oo ka cabsi qaba in rabshaduhu saameeyana lana boobo.
Magaalada waxaa wali ka maqan khadkii internetka , waxaana socda dadaalo badan oo lagu doonayo in xiisada lagu dejiyo, waxaana magaalada Jigjiga ku sugan siyaasiyiin iyo masuuliyiin isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan Adis Ababa ka tagay.
War kasoo baxay Dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in miltariga uu qaadi doono tallaabo kasta oo looga hortagayo in rabshado hor leh ay ka qarxaan dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya.
Rabshadihii shalay ka dhacay magaalada Jigjiga waxaa ku dhintay dad gaaraya 10-qofood, waxaa sidoo kale magaalada ka dhacay boob loo geestay bangiyo iyo goobo ganacsi ay lahaayeen dad aan Soomaali aheyn.
 
https://www.youtube.com/watch?v=M7bM2RaJFd0
 

 

WARARKA MAANTA 3da Agoosto 2018 Sir Culus!

Su’aalaha Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha soo socda? Maanta: Maxaa kala haysta Madacweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Iyo Khaa’inul waddan Rayal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” oo xiriir arrimaha gudaha iyo xiriirkii caalamiga dhulka la galay oo hadda ogaadeen inaysan beesha caalamka wax lacag siin doonin xukuummadda fashilantay? Maxuuse Shiikha weyne ee reer Djabouti Shiikh Cabdiraxmaan ka yiri fowda dibolamaasiyadeed ee soo kala dhex gashay Soomaaliya Iyo Djibouti? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha soo socda ee cusub? Goorma ayaa lagu dhawaaqi doonaa xukuummad cusub? Maxay tahay sababta loo dilo dadka aan waxba galabsan ee waddanka ugu soo laabtay inay wax u qabtaan dadka walaalahood? Meeqo nin oo Al-Shabaab ah ayaa ka tirsan laamaha amniga ee dalka Soomaaliya? Meeqo nin oo Al-Shabaab ah ayaa ka dhex shaqaynaaya wasaaraddaha dalka? Maxay maxkamadda militariga u soo qaban ladahay Agaasimaha Laanta Socdaalka oo kamid ah Al-Shabaab Amniyaadka Col. Maxamed Aadan Koofi ama Al-Shabaab Sakariye Xirsi oo ah hoggaamiyaha hoggaanka Hawlgelinta ee Hay’adda Nabadsugidda Iyo Sirdoonka Qaranka? Yaa meesha been iyo huuhaa loo sheegi karaa? Ummadda Soomaaliyeed waa inay iska-qabato Dowladda Wada Dadban!

Puntland State 3da Agoosto 2018 Shirkii Golaha Wasiiradda ee maalintii shalay ka dhacay magaalada Garoowe ayaa qodobadii leysku afgartay waxaa ka mid ahaa sii deynta Boqolaal Maxaabiis ah ku xir xiran deegaannada Puntland, kuwaa oo loo heysto arrimo burcad badeednimo ah.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in madaxda dowladda Soomaaliya iyo Puntland isku afgarteen sii deynta maxaabiista ku jirta xabsiyada Puntland ee loo heysto arrimaha burcad badeednimada.

‘’Maxaabiista ku xiran Puntland ee loo heysto kiisaska Burcad badeednimada ee u xiran xukunnada looga soo riday dalka dibeddiisa, ayaa leysku afgartay in la sii daayo, iyada oo loo marayo sii deyn-tooda waddadii maxaabiistii iyaga la midka ahaa laga soo daayay dalalka dibeda’’ ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle.

Shirka ayaa sidoo kale arrimaha looga hadlay waxaa ka mid ahaa, Amniga, Qaraxii Buuhoodle, Maxaabiista u xir xiran burcad badeednimada, xaalada ka taagan xudduuda Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan weerarrada lagu hayo xarumaha Isgaarsiinta iyo qodobo kale.

Shirka Golaha Wasiirrada ee shalay ka dhacay ayaa yimid kaddib markii xal hoose laga gaaray wax xooggaa khilaaf ah oo ka dhashay go’aankii uu ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre uga baaqday dhaggax-dhigga dekedda Garacad oo ay siweyn uga xumaadeen siyaasiyiinta iyo waxgaradka Puntland.

Zimbaabwe 3da Agoosto 2018 Madaxa guddiga doorashada ee Zimbabwe, Priscilla Chigumba, ayaa ku dhawaaqday in madaxweynaha iminka talada haya, Emerson Mnangagwa, uu yahay qofka ku guulaystay doorashadii madaxweynenimada ee Isniintii dhacday.

Mr Mnangagwa ayaa ku guulaystay 51% codadkii la dhiibtay, halka ninka uu loollanka adag kala dhexeeyey ee mucaaradka MDC, Nelson Chamisa, uu helay in wax yar ka badan 44%.

In yar ka hor intii aan natiijada lagu dhawaaqin ayuu guddoomiyaha MDC ku gacan sayray natiijada, isagoo sheegay inay tahay been abuur, oo aan la xaqiijin.

Balcad 3da Agoosto 2018 Inta la xaqiijinayo Labo ruux oo rayid ah ayuu dhaawac ka soo gaaray tiro madaafiic ah xalay lagu tuuray qeybo ka mid ah degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka degmada oo warbaahinta la hadlay.

Dadka dhaawacmay ayaa kala ahaa Oday da’ah iyo wiil sida la sheegay 7 sano jir ah kuwaa oo ay madaafiicdu ugu tagtay guryahooda, waxaana sidoo kale ay madaafiic ku dhaceen qeybo kale oo isla degmada ka mid ah.

Gaar ahaa bartilmaameedka madaafiicdan ayaa lagu sheegay in uu ahaa fariisimaha ciidamada AMISOM ee degmada Balcad, laakiin lama sheegin wax khasaare ah oo ciidamada ka soo gaaray hoobiyayaashan lagu weeraray.

Balcad marar badan oo hore waxaa ka dhacay iska horimaadyo dhaxmaray Al-shabaab iyo AMSOM . waana marin muhiim u ah isku xirka Muqdisho iyo Jowhar.

Tukaraq 3da Agoosto 2018 Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada iskuhor-fadhiya deegaankaas ee Soomaaliland iyo Puntland uu soo ritay xanuuno kala duwan.

Ciidamadaas oo laga kala keenay deegaanada kala duwan ee labada maamul ayaa qeyb ka ahaa ciidamadii ka qeyb qaatay dagaalka tukaraq,isla markaana haatan ay soo wajaheen xanuunadaas.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga Puntland oo la hadlay Warbaahinada ka howlgalla deegaanada maamulkaas ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamada ay soo wajaheen xanuuno ay kamidyihiin Malaariyo,Tiifow,Jadeeco iyo cuduro kale.

Hayeeshee waxaa jira saraakiil caafimaad oo ka socda dhanka puntland,isla markaana la geeyey deegaanka tukaraq oo u badan dhul banaan oo uu ka jiro qaboow farabadan.

Deegaanka tukaraq ayaa waxaa weli iskuhor-fadhiya ciidamada labada maamul ,waxaana weli jirin cid kaladhexgashay,iyada oo dadka deegaanka ay sheegayaan in marwalba ay filan karaan dagaal cabsi farabadana ay heyso.

Puntland State 3da Agoosto 2018 Waxaa magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland goor dhoweyd ka furmay shir wadajir ah oo ay leeyihiin golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya iyo Golaha Wasiirada maamulka Puntland.

Shirka oo uu guddoominayo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaa ku sugan madaxweynaha Puntland Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas iyo ku xigeenkiisa C/xakiim Camey, waxaana ka qeyb galaya xubnaha golaha wasiirada ee xukuumadda federaalka iyo kuwa Puntland.

Ajendaha shirka ayaan la shaacin waxaana lagu wadaa in looga hadlo arrimo badan oo ay ugu horeeyaan xiriirka labada dhinac, waxaana lagu wadaa inay shir jaraa’id qabtaan gabagabada shirka kadib.

Khilaaf soo kala dhex galay Ra’iisal wasaare Kheyre iyo madaxweynaha Puntland ayaa hareeyay shirkan iyo xaflad lagu xusi lahaa sanadguurada 20aad ee Puntland, taasoo markii danbe si hoose heshiis looga gaaray.

https://www.youtube.com/watch?v=1a84O01vfKs

WARARKA MAANTA 2da Agoosto 2018 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxay tahay sababta uu Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo “Been-Hawaas” dhulka ugu jiiday sharaftii iyo karamaddii Shacabka Iyo Dowladda Djabouti? Maxuuse arrinta khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” ugu qalqaaliyey inuu Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo aqbalo booqashadii 3da berri ee dalka Eritrea asagoo rabay in xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeyey Dowladda Soomaaliya Iyo Dowladda Eritrea dhulka lagu jiido si aysan dalka Djibouti u noqon waddan weyn oo ka qaada suuqa caalamka ee ay haysto Imaaraadka ayagoo dhawaan ay Dowladda Djibouti samaysay “The African International Trade Zone in Djibouti”? Yaa maanta runta qarin kara sida xun iyo siyaasad xummada ay dowladda wada dadban ay ku dhaqayso Ummadda Soomaaliyeed iyo dalka Soomaaliya? Maxayse Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo “Been-Hawaas” iyo khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” uga aamusan yihiin khaladaadka iyo dilalka ay gobalka Gedo ka gaysanayaan Ciidanka Kenya ee #KSF ee ku dhex jira xuduudka Soommaaliya kuwaasoo dumar badan kufsaday? Maxayse Wasiiradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Amniga Qaranka, Wasaaradda Gaashaandhiga, Wasaaradda Cadaaladda Iyo Laamaha Amniga Soomaaliya uga wada aamusan yihiin falalka gumaadka ah ee ay Ciidanka Kenya ku samaynayaan shacabka aan hubaysnayn ee deggan gobalka Gedo? Maxayse labada Guddoomiyayaal ee aqal hoose iyo aqalka sare uga wada hadli layihiin dhibka ay Ciidanka Kenya ka wadaan gudaha Soomaaliya? Yaa maanta been loo sheegi karaa? Maxaa Soomaaliya ka jirta dowlad matasha dadka, diinta iyo dalka mise waa niman raba inay meesha ka lacagaystaan sida hay’addaha shisheeye ee magaca ummadda Soomaaliyeed ku qaraabanaaya? Soomaaliyeed kuwan madax dalka, diinta iyo dalkaba uma ahan ee kac oo waddankiina wada difaacda haddii kale waad ka shalayn doontiin!

Jabuuti Agosto 2da Luulyo 2018 Dowladda Jabuuti ayaa cadeysay mowqifkeeda la xiriira hadal dhawaan madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka jeediyay magaalada Asmara kaddib booqasho saddex cisho qaadatay oo uu halkaa ku tagay.

Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Aadan Xassan Aadan oo la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay in dowladda Eritrea sida uu hadalka u dhigay xoog ku heysato qeyb ka mid ah dhulka Jabuuti iyo gaar ahaan Jasiiradaha Doumeira iyo 10 Maxbuus oo reer Jabuuti ah.

‘’Shaki kama jiro in Soomaaliya ay xaq u leedahay hagaajinta xiriirka ay la leedahay wadamada dariska ah, laakiin waxaa wax la aqbali karo aheyn in madaxweynaha Soomaaliya uu ku taageero Eritrea xoog ku heysashada dhulka qeyb ka mid ah Jabuuti iyo maxaabiis’’ ayuu yiri safiirka.

Safiirka ayaa intaa ku daray in war laga naxo uu ahaa hadalkii madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa in cunaqabateynta saran laga qaado Eritrea.

Jabuuti ayaa qeyb ka ah wadamada ku tabarucay ciidamada nabad-ilaalinta Soomaaliya ee qeybta ka howlgalka midowga Africa, waxaana dhowr Kun oo ciidamo ah ka joogaan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

‘’Wiilasheen-na waxaa ay naftooda u hurayaan nabada Soomaaliya, xili walaalahood ay maxbuus ku yihiin Asmara, sidaa daradeed kuma faraxsanaan doonaan in ay maqlaan hadalka qaldan ee madaxweynaha Soomaaliya, ayuu yiri safiirka Jabuuti.

Wuxuu sheegay safiirka in mar walba ay soo dhaweynayaan dhaqdhaqaaqa nabadeed iyo kan diblomaasiyadeed ee Geeska Africa, hasse ahaatee aan wali la xalin khilaafka labada dowladood ee Jabuuti iyo Eretria.

Wali dowladda Soomaaliya wax war ah kama aysan soo saarin hadalka ka soo yeeray Jabuuti oo qoonsatay khudbadii madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyay Asmara.

Muqdisho Agosto 2da Luulyo 2018 Kaddib fadhiyo is xig-xigay oo ay soo martay dhageysiga dacwda xubnahan la sheegay in ay yihiin horjogayaal ka tirsan Daacish ayeey ugu danbeyntii maxkamada ciidamada qalabka sida xukun riday labadan eedeysane.

Mahad Maxa’ud Cabdi Abuu-Yaasiin oo ah eedeysanaha 1-aad ayaa loo heystaa in uu ku mashquulsanaa aas-aasidda kooxo Daacish ah kuwaasi oo ka howl-geli lahaa Koonfurta Soomaaliya, waxaa uu xilligaas khilaaf kala dhexeeyay ninka ugu sareeyo Daacish kuwooda jooga Soomaaliya ee Cabduqaadir Muumin

Maxamed Daa’uud Daahir Warsame ( Dr Raage) ayaa loo heystay in uu ahaa horjoogaha Caafimaad, waxaa uu sidoo kale ahaa u qaabilsanihii xagga soo uruurinta lacagaha ay dibadda ka helaan.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur (Shuute) oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u akhriyey warbaahinta xukunka ay ka soo saareen labada horjooge ee ka tirsanaa maleeshiyada Daacish.

Dood dheer kaddib,Maxkamada ciidamada Qalabka sida markii ay aragtay dambi muujinta iyo cadeymaha la horkeenay waxay eedeysanayaasha kala ah Mahad Maxa’ud Cabdi Abuu-Yaasiin iyo Maxamed Daa’uud Daahir Warsame ( Dr Raage) ku xukuntay mid 15-sano oo xabsi ciidan ah,waxayna maxkamaddu intaasi raacisay in ciddii ku qanacsaneyn xukunka u furan tahay racfaan.

Eedeysanaha 1-aad ee la xukumay ayaa isaga heysta dhallasha Ruushka, magaca Abuu-Yaasiin waa wiil ay u dhashay gabar Church Nia, waxa uu sidoo kale qeyb ka mid ah noloshiisa ku soo qaatay waddanka Syria, halka Dr Raage uu ahaa madaxa caafimaadka, waxa uu sidoo kale qeyb ka mid ah noloshiisa ku soo qaatay Dalka Koonfur Afrika iyo ka mid ahaanshiyaha lleeshiyada Al-Shabaab

Garoowe Agosto 2da Luulyo 2018 Dadaallada lugu raadinnayo qabsoomida shirkii ugu horreeyay ee golaha wasiirrada Federaalka oo ka dhaca Garoowe ayaa wali socda, markii shirka ay ka horyimaadeen xubno ka tirsan Puntland.

Xarunta wasaaradda maaliyadda Puntland ee magaalada Garoowe, wuxuu hadda shir uga socda guddi wasiirro Puntland ah iyo xubnaha Puntland ku matalaya dowladda federaalka ee wasiirro iyo xildhibaanno isugu jira , kuwooda ku sugan magaalada Garoowe – waxaana kulanka diirrada lugu saaraya xal u helida madmadowga soo kala dhexgalay labada dhinac , xukuumadda federaalka ayaa ku dadaallaysa inuu qabsoomo shirka wasiirrada.

“Shirkan waxaa la sugaya natiijada ka soo baxda, taas oo suragal ka dhigi karta inuu qabsoomo shirka golaha wasiirrada federaalka, waa haddii xal laga gaaro khilaafka taagan.” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan madaxtooyada Puntland oo la hadlay Hiiraan Online.

Docda kale, wasiir ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ku sugan Garoowe oo codsaday inan magaciisa la baahin ayaa u sheegay Hiiraan Online inuu qabsoomayo shirka golaha wasiirrada, wuxuuna sheegay in xal laga gaaray khilafkii tagnaa , isagoo inta ku daray wasiirrada Puntland iyo federaalka ee shirka u socda arrinata ay ka wada-hadalayaan inay tahay sidii loo xallin lahaa arrimaha khilaafka dhaliyay.

Khilafka waxaa sal u ah markii uu is-badbadal ku yimid jadwalka booqashada ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee Puntland , wuxuu ka baaqday ra’iisul wasaare Khayre ka qeybgalka dhagax-dhiga dekedda Garacad ee gobolka Mudug, waana halka uu ka bilowday khilaafka taagan oo xata sabab u noqday in dib loo dhigo munaasabadda xuska 1 August oo ku beegan aasaaska Puntland oo Garoowe lugu qaban -lahaa.

Garoowe Agosto 2da Luulyo 2018 Senator Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Maxamuud (Faroole) oo ka mid ah golaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa xukuumadda federaalka ka dalbaday in la-dadaijiyo wada-hadallada  Soomaaliland, kaddib kulan gaar ah oo magaalada Garoowe uu kula qaatay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo booqasho ku jooga Puntland.

“Waxaan kulanay oo gurigayga iigu yimid ra’iisul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo aan ka wada-hadalnay arrimo caam ah oo ku saabsan dowlad-nimada Soomaaliya…waxaan ka wada-hadalnay in la dedejiyo wada-hadallada Soomaaliland oo lala hadlo oo waxay tabannayaan la maqlo oo ajande aan qarsooneyn dhinac kaga jirin.” ayuu yiri Senator Faroole oo warbaahinta la hadlay Arbacadii , markii uu soo dhammaaday kulanka uu la qaaray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Gabgabadii, wuxuu sheegay madaxweynihii hore ee dowlad-gobolleedka Puntland, Senator Cabdiraxmaan Faroole in kulanka lugu muujiyay sida ay lagama -maarmaan u tahay in meel looga soo wada-jeesto cid walba oo dhibaata ku heysa midnimada Soomaaliya.

Buuhoodle 2da Luulyo 2018 Qof isku so xiray walxaha Qarxa ayaa fiidnimadii xalay ku dilay magaalada Buuhoodle sida saddex ruux oo labo ka mid ahaayeen mas’uuliyiin horey xilal u soo qabtay.

Dadka qaraxii xalay ku dhintay waxaa ka mid ahaa Axmed Maxamuud Doolaal iyo Cabdifataax Maxamed Cali oo la taliye u soo noqday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Gaarigii ay la socdeen ayaa la sheegay in uu bartilmaameedsaday qof ismiidaamiye ahaa xili ay ka soo baxeen masjid aan ka fogeyn goobta uu qaraxa ka dhacay.

Magaalada ayaa gashay xalay xaalada Bandow ah mana jirin wax dhaqdhaqaaq ah oo magaalada guheeda ah, waxaana la arkayay ciidamo aad hubeysan oo howlgal sameynaya.

Qaraxan xalay lagu dilay mas’uuliyiintan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee ka dhaca Buuhoodle.

Puntland 2da Luulyo 2018 Madaxweynihii Ugu Horeeyey Ee Puntland waxa uu ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed Allaha unaxariistee Sanadkii 1998-kii taasi oo loo aqoonsan yahay Puntland Hooyada Federaalka.

Hadaba Caawa ayaa la filayey in ay dhacdo Xaflad weyn oo 20 Guurada kasoo wareegtay Aas aaska Puntland,balse warar soo baxay ayaa sheegaya in la baajiyey.

Munaasabadaasi,waxa inay dhici weydo usabab ah baa la yiri Madaxweyne Gaas oo sheegay in Dabaal deg xilligeeda la joogin maadaama dagaal uu ku furan yahay dhinaca tukaraq.

Sidoo kale Xurguf jirta oo udhaxeysa R/wasaare Kheyre iyo Madaxweyne Gaas ayaa la tilmaamaya inay qeyb ka tahay inay qabsoomi weydo Xuska Aas aaska 20 guurada Kasoo Wareegtay Dawlad Gobolleedka Puntland.

Xildhibaan hore oo katirsanaa Baarlamankii KMG ahaa Ee Dawlada Soomaaliya Daahir C/qaadir Muuse (Daahir Ciiro) ayaa sheegay in arintaan aad looga hadal hayo baaqashada Xafladaasi.

https://www.youtube.com/watch?v=0vJmxxKdy14

WARARKA MAANTA 31da Luulyo 2018 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxay tiri Dowladda Wada Dadban inay furayso dhawaan Xisbi Siyaasaddeed cusub kadib markii ay 1 sanoo iyo bar ku fashilmeen hoggaanka dalka Soomaaliya? Maxuu beenta uga sheegayaa Wasiirka Warfaafinta Jamhuuriadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle raalligelinta uu ka bixiyeye Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo arrintii khaa’inul waddaninimo ee ay Dowladda Soomaaliya ugu dhiibtay Madaxdii #ONLF Barriga Afrika G/Sare Cabdikariim Shiikh Muuse “Qalbi-Dhagax”? Maxaa ku kalifay hadda inuu Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo raalligelin buuxda ka bixiyo dembiga khiyaano qaran ee uu ku kacay Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” oo ku amray Laamaha Amniga iyo Xeer Ilaaliyaha Guud inay warqad si hoose u qoraan oo lagu soo qabto Madaxdii #ONLF Barriga Afrika G/Sare Cabdikariim Shiikh Muuse “Qalbi-Dhagax” asagoo loo gacan-gelinaayo Dowladda Ethiopia oo uu muddo badan ka soo xoraynaayey dhulka ay sida xoogga ah uga haysto Ummadda Soomaaliyeed? Maxuuse Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo dalka uga cayrin waayey Safiirka Ethiopia u jooga Soomaaliya Mudane Jamaludiin oo falkaas iyo khiyaanadaas si fiican ugu lug lahaa? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha soo socda si uu warbixin hoose u soo gudbiyey Wasiirka Warfaafinta? Meeqo qof oo katirsan ururka argagixisadda Al-Shabaab ayaa ka dhex shaqaynaya laamaha amniga? Maxayse weli u shaqaynaayaan golahi xukuummadda fashilantay ee Ururka dib-u xoreynta Ogadenia #ONLF iyo Madaxda Ururkaas gobanima doonka ku tilmaamay inay yihiin argagixiso ayagoo aan ka fiirsan adduunka intiisa kale na si sharci ah ay xafiisyo siyaasaddeed ugu laayeen? Maxay qaban doonaan labada aqal ee u xiran xukuummadda wada fashilantay ee uu hoggaaminaayo Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade”?

Muqdisho 31da Luulyo 2018 Waa ra’iisal wasarihii ugu horeeyay ee Itoobiyaan ah oo taga gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka halkaa oo ay ku dhaqan yihiin tirada ugu badan marka la eego Qowmiyadaha kala duwan ee ku nool dalka Itoobiya.

Calamo midabo kala duwan leh, farxad, dhuula-cadeyn, heeso iyo waliba cayaaro ayaa lagu soo dhaweeyay ra’iisal wasaaraha, waxaana booqashadan Minnesota marti-galisay Jaaliyada Qowmiyada Oromada ee uu ka soo jeedo ra’iisal wasaaraha.

Minnesota gaar ahaan magaalada Minneapolis oo lagu tirayo halka ay ku nool yihiin tirada ugu badan Qowmiyada Oromada guud ahaan marka la eego dalka Mareykanka ayuu ra’iisal wasaaruhu ugu baaqay dadkii isku soo baxay in ay qaataan nabada laga-na wada shaqeeyo hormarka, isaga oo si gaar ah farta ugu go’day Qowmiyadaha kala duwan oo uu faray in aysan sun isku noqon isku-na naxariistaan.

Dadkii ka qeyb-galay soo dhaweynta ra’iisal wasaaraha islamarkaana dhageystay khudbadiisa ayaa sheegay in ay siweyn ula dhacsan yihiin sida ay uga go’an tahay Abiy dhismaha Itoobiya is jecel oo aan leysku faquuqin.

Gaar ahaan Soomaalida ayaa iyagu sheegay in ay rajo badan ka qabaan ra’iisal wasaaraha cusub, laakiin haddana bal dib u sii eegi doonaan tallaabooyinka kale ee uu qaado si loo dhameeyo inta ka dhiman nabada iyo degenaashaha dalka.

Socdaalka Abiye ee Minnesota ayaa imanaya xili bilihii ugu danbeeyay-ba ay sii xoogeysanayeen dagaallada ka dhax socda Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida, isaga oo siweyn xoogga u saaraya soo afjarida dagaalladaas oo dadka qaar ku micneynayaan kuwo siyaasadeysan.

Qaramadda Midooway 31da Luulyo 2018 Dood dheer oo ay arintan ka yeesheen kaddib Golaha Amaanka Qaramada Midoobey ayaa isku raacay in dib loo dhigo dhismista iyo yareynta ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM ee dowladda Soomaaliya ka caawinaya nabad soo celinta iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Golaha ayaa isku raacay in arintan ku saabsan dhimista ciidamada AMISOM dib loo dhigo ilaa 31-ka bisha May ee 2019-ka, kaddib qoraal dheer ay soo saaareen.

Waxaa uu qorshuhu yahay in wixii ka danbeeya 31-da May 2019-ka dib loo bilaabi doono dhimista ciidamada AMISOM oo hadda gaaraya 20,626, waxaana la hakiyay 2,000 oo Askari oo Soomaaliya ka bixi lahaa bilaha October iyo December ee sandkan 2018-ka.

Dowladda federaalka ayaa horay ugu dhawaaqday in ciidamada AMISOM ay Soomaaliya ka baxayaan gaba gabada sanadka 2020-ka, kaddibna ciidanka dowladda Soomaaliya ay la wareegaan ammaanka dalka.

Laakiin waxaa wali muuqanaya in ay jiro baahi loo qabo in ciidamada AMISOM ku sii sugnaadaan gudaha dalka iyaga oo difaacaya dowladda xoogagga hubeysan gaar ahaan Al-shabaab.

Muqdisho 31da Luulyo 2018 Madaxweynaha Puntland , Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lugu wadaa inuu goor dhow gaaro deegaan xeebeedka Garacad ee gobolka Mudug , halkaas oo u ka dhagax-dhigayo deked ganacsi , mashruuca oo lugu sheegay midka ugu ballaaran ee la doonnayo isku-tashi in lugu dhiso.

Horey waxaa loo qorsheeyay dekedda inuu dhagax-dhigo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo booqasho ku jooga Puntland, balse waxaa la sheegay inuu ka-cududaartay sababo aan wali la faahfaahin, taa-badalkeeda uu dhagax-dhigayo madaxweynaha Puntland.

“Dekedda dhismaheedda waa mid aan ku dooneyno in lugu kobciyo dhaqaalaha gobolka, waxaana si isku-tashi ah ku dhisaya bulshadda oo kaashanneysa xukuumadda Puntland .. waxa aan dooneyno ee nago go’an ayaa ah si dhaqso ah in dhismaha dekedda lugu soo gabagabeeyo, taas oo fursad u ah qof walba oo Soomaali ah. ” ayaa lugu yiri qoraal la soo gaarsiiyay Hiiraan Online oo ka soo baxay guddiga ku howlan dhismaha dekedda.

Toddobadkii u dambeeyay, waxaa Garacad ka socday diyaar-garow loogu jirey dhagax-dhiga dekedda, waxaana deegaanka ku sugan ganacsatado,

Minneapolis 31da Luulyo 2018 Waa ra’iisal wasarihii ugu horeeyay ee Itoobiyaan ah oo taga gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka halkaa oo ay ku dhaqan yihiin tirada ugu badan marka la eego Qowmiyadaha kala duwan ee ku nool dalka Itoobiya.

Calamo midabo kala duwan leh, farxad, dhuula-cadeyn, heeso iyo waliba cayaaro ayaa lagu soo dhaweeyay ra’iisal wasaaraha, waxaana booqashadan Minnesota marti-galisay Jaaliyada Qowmiyada Oromada ee uu ka soo jeedo ra’iisal wasaaraha.

Minnesota gaar ahaan magaalada Minneapolis oo lagu tirayo halka ay ku nool yihiin tirada ugu badan Qowmiyada Oromada guud ahaan marka la eego dalka Mareykanka ayuu ra’iisal wasaaruhu ugu baaqay dadkii isku soo baxay in ay qaataan nabada laga-na wada shaqeeyo hormarka, isaga oo si gaar ah farta ugu go’day Qowmiyadaha kala duwan oo uu faray in aysan sun isku noqon isku-na naxariistaan.

Dadkii ka qeyb-galay soo dhaweynta ra’iisal wasaaraha islamarkaana dhageystay khudbadiisa ayaa sheegay in ay siweyn ula dhacsan yihiin sida ay uga go’an tahay Abiy dhismaha Itoobiya is jecel oo aan leysku faquuqin.

Gaar ahaan Soomaalida ayaa iyagu sheegay in ay rajo badan ka qabaan ra’iisal wasaaraha cusub, laakiin haddana bal dib u sii eegi doonaan tallaabooyinka kale ee uu qaado si loo dhameeyo inta ka dhiman nabada iyo degenaashaha dalka.

Socdaalka Abiye ee Minnesota ayaa imanaya xili bilihii ugu danbeeyay-ba ay sii xoogeysanayeen dagaallada ka dhax socda Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida, isaga oo siweyn xoogga u saaraya soo afjarida dagaalladaas oo dadka qaar ku micneynayaan kuwo siyaasadeysan.

Laascaanood 31da Luulyo 2018 Shacabka Magaalada laascaanood Ayaa Soodhaweeyay Booqashada Raysal Wasaaraha Soomaaliya xasan cali Khayre ku yimid Puntand islamarkaana waxaa ay Digniin U diren Shacabka Laascaanood Horgalada calooshood ushaqaystayaasha ah.

https://www.youtube.com/watch?v=TAZpjuBYAlM

https://www.youtube.com/watch?v=qDREY_Atdxg

https://www.youtube.com/watch?v=TAZpjuBYAlM

WARARKA MAANTA 27ta Luulyo 2018 Sir Culus!
Su’aallaha Maanta: Maxay tahay sababta uu Wasiirka Isgaarsiinta Mudane Cabdi Canshuur ugu sheegayaa Ummadda Soomaaliyeed in isgaarsiinta dalka Soomaaliya laga xukummi doono Djibouti oo uu lacag badan oo saami ah ka heli doono? Maxay tahay Sababaha Kalabbar Wasiirrada Khaa’inul waddan Ra’isul Wasaare Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” ay Shaqada uga tageen? Akhriso runta! Maxuu Xeer Ilaaliyaha Guud uga hadlay gabar 10 jir ah oo gudniinka fircooniga ugu geeriyootay Dhusamareeb asagoo xitaa aan hal maalin ka hadli dembiyadii iyo khaladaadkii siyaasaddee ee ay xukuummad fashilantay ka samaysay Muqdisho ayadoo dad aan dembi lahayn iyo hooyo uur leh ay ku dileen Ciidanka Nabadsugiidda kuwaasoo ku dilay weerar lagu weeray guriga siyaasi khaa’inul waddan Cabdiraxamaan Cabdishakuur? Yaa maanta runta qarin kara?
Muqdisho 27ta Luulyo 2018 Sababaha Kalabbar Wasiirrada Ra’isul wasaare Kheyre Ay Shaqada Uga Tageen
Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre tan iyo markii xukuumadda uu soo magacaabey 21-kii March sanadkii hore, waxaa wasiirradiisa sababo kala duwan uga tagay kalabbar, sidaas ay tahay wasiirrada kuma tagin howl gudasho la’aan, si shaqada loo hagaajiyo ama xataa dadka iyaga ka fiican loo keenno, intooda badan waxaa ay ku baxeen khilaafaad kala dhaxeeya wasriirka 1aad ama bulshada rayidka ah.
Haddaba Akhriso, Sababaha Ay Wasiirrada Kheyre Kala-ubar U Tageen.
Feb 23, 2017: Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ra’isul wasaare u magacaabay Xasan Cali Kheyre oo ka tirsanaa milkiilayaasha Soma Oil and Gas.
March 21, 2017:Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa magacaabay 68 wasiir, 8 ayaa haween ahaa, waxaa kale oo ku jiray 15 wasiiru dowle, 26 wasiir, 26 ku-xigeen, wasiiradaas 42 Xildhibaanno ahaa.
April 1, 2017:Waxaa kalsooni heshay xukuumadda Ra’isul wasaare Cali Kheyre, iyada oo si toos ah shaqadeeda u bilowday.
May 3, 2017: Wasiirkii Howlaha guud iyo dib u dhiska Xil. Cabaas Cabdullahi Sheekh Siraaji ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho, geeridiisa kadib waxaa su’aalo laga keenay amniga wasiirka sida uu ahaa!
October 12, 2017: Cabdirashid Cabdullahi Maxamed oo ahaa wasiirka Gashaandhigga Soomaaliya ayaa istiqaaladiisa u gudbiyay ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaa uu ka sheegtay shaqo la’aan iyo in howlihiisa cid kale isla qabato!
November 15, 2017: Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed ayaa waxay iska casishay xilkaasi.Wasiirka waxaa lagu dul sameeyay guddiyo iyo hey’ado qabanayey shaqadeeda, waxaa ka dhamaaday dul-qaadkii!
November 26, 2017: Waxaa xilka laga qaaday wasiirka Diinta iyo Awqaafta xukuumadda Soomaaliya Iiman Cabdullahi Cali, lama shaacin wax sabab ah.
January 4, 2018: Ra’isul wasaare Xasan Kheyre ayaa shaqada ka ceyriyay 3 wasiir oo kala ah: wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga calamiga Yusuf Garaad,, Wasiirka warshadaha iyo ganacsig KhadraAxmed Ducaale, iyo wasiirka arrimaha gudaha federalism-ka Cabdi Farah Saciid“Juxa”, Yusuf Garaad marka laga reebo, labada kale waa hareeyay khilaaf, gabadha waxaa ay isku dhaceen rugta ganacsiga halka Juxa ay si shaskhsi ah isku fahmi waayeey Kheyre!
Wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiirka arrimaha gudaha oo qoraal soo saaray waxaa ay sheegeen in aan loo sheegin xilka qaadista taas oo protocol ahaan hadal badan laga keenay, waxaa kale oo ay soo jeediyeen arrimo muhiim u ah jiritaanka dowladnimada.
Yusuf Garaad waxaa uu la dardaarmayey madaxweynaha iyo wasiirka 1aad waxaa uu yiri “waxaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha kula dardaarmayaa in si ay siyaasaddeenna dibaddu ay u caga dhigato ay xaqiijiyaan in aan lagu fududaan beddelaadda Wasiirka cusub ee ay u magacaabeen Wasaaradda”
Cabdi Farax Juxa waxaa uu isna ku dardaraamay “Dalku waa Federaal, taladu waa wadaag, danteenuna waa isku tolan tahay, xataa haddii fekerka lagu kala duwan yahay”.
January 21, 2018: Cabdiraxmaan Yarisow oo ahaa wasiirka warfaafinta ayaa loo magacaabey guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho,
April 24, 2018: Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed MursalShiikh C/raxmaan, waxaa uu murashax u ahaa afhayeenka baarlamaanka.
April 24, 2018: Wasiirka Tamarta Saalim Caliyow Ibrow, waxaa uu isku casilay tartanka afhayeenka golaha shacabka.
Waxaa kale oo isla sababtaas xukuumadda Kheyre uga tagay Ibraahim Isaaq Yarow(Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta), Cali Sheekh Maxamed Nuur(wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo federaalka), Cabdi Casis Xasan Maxamed(wasiiru dowlaha warfaafinta).
May 2018: Wasiirka wasaradda howlaha Guud & Dib u dhiska xukumadda soomaaliya Eng saadiq abdulaahi cabdi ayaa ka mid ah wasiirada la ceyriyay.
July 9, 2018: Qoraal ka soo baxay xafiiska Kheyre ayaa shaqada loo ceyriyay wasiirka diinta iyo awqaafka Xasan Macalin Xuseen. Wasiirka waxaa uu sababsaday arrimaha xajka, maareynta, lacagta iyo cidda qaadeysa xujeyda.
July 26, 2018: Wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa xilkii waxaa looga qaaday wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka C/raxmaan Daahir Cusmaan. Wasiirka waxaa lagu ceriyay kadib markii uu sheegay in wasaaradiisa aaney aqoonsaneen jaamacadaha dalka.
Muqdisho 27ta Luulyo 2018 Shirweyniha Qaran ee Wada tashiga Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyada oo muddo saddax maalin ah ka socday magaalada Muqdisho ayaa maanta la soo gabagabeeyay.
Kulankan oo ay soo qaban-qaabisay dowladda federaalka ah, waxaa ka soo qeybgalay wasiirada boostada iyo isgaarsiinta ee dowlad goboleedyada, garyaqaanka guud ee Qaranka, shirkadaha bixiya adeegyada internet-ka iyo isgaarsiinta iyo sidoo kale qeybaha tacliinta sare ee dalka ayaa waxaa looga hadlay sidii qaab qaran loo wejihi lahaa arrimaha isgaarsiinta dalka iyo la socodka Tecknolojiyadda casriga ah.
Dr. Cusmaan Cilmi Guuleed oo ah garyaqaanka guud ee dowladda ayaa sheegay in xafiiskiisa uu diyaar u yahay in wasaaradaha dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada uu kala shaqeeyo xaga sharciga.
Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyada ee Dowladda Soomaaliya Eng Cabdi Canshuur Xasan oo isna ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in marka uu furmo kal fadhiga baarlamaanka ay geyn doonaan sharciga isgaarsiinta dalka lagu maamuli doono.
Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari guddoomiyaha golaha shacabka oo goobta joogay ayaa u mahad celiyay wasaaradda boostada isgaarsiinta iyo tiknoolojiyada iyo ka qeyb galayasha shirkan ayaa sheegay in isgaasriinta ay muhiim u tahay kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka isagoo balan qaaday In Baarlamaanka uu arintaasi ka hadli.
Muqdisho 27ta Luulyo 2018 Kulanka golaha wasiirrada ee maanta ayaa waxaa lagu magacaabey 3 saffiir oo Soomaaliya u matali-doona dalalka dibadda.
Safiirrada La Magacaabey ayaa kala ah:
1. Maxamed Nuur Tarsan
2. Cabdullahi Maxamed Odowaa
3. Cabdirisaq Shoole
Dhinaca kale, la sheegin dalalka loo magacabey iyo halka ay fariisan-doonaan.
Muqdisho 27ta Luulyo 2018 Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xeeriyay abuurista Golaha Dhaqaalaha Qaranka.
Xeerka madaxweyne oo lambarkiisu yahay 98 ayaa qeexaya in madaxweynuhu markii uu arkay Qodobbada 87 iyo 90 ee Dustuurka KMG ee Soomaaliya iyo war-murtiyeedkii laga soo saaray Shirka Golaha Amniga Qaranka (Baydhabo 3-5 Juun 2018, Qodobka 2.11.
Markii uu garwaaqsaday soo jeedinta wasiirka Wasaarada Qorsheynta Qaranka iyo baahida loo qabo in la abuuro Gole Dhaqaale Qaranka ee ka talo bixiya arrimaha la xiriira Siyaasadda Dhaqaalaha ee Dalka.
Madaxweynuhu waxa uu soo saaray xeerkan oo qodobkiisa koowaad yahay Dhismaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka.
Qaab dhismeedka Golaha Dhaqaalaha Qaranku waxa uu ka kooban yahay
1- GUddi hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirrada
2- Guddoomiyaha Bangiga Dhexe
3-Madaxda Dowlad goboleedyada
4-Shan (5) Xubnood oo la taliyeyaal ah (National Advisory) oo lagu soo xulo aqoontooda Cilmiga dhaqaalaha iyo khibraddooda dhaqaalaha isla markaana aqoon dheer u leh maamulka maaliyadda dowladda, kuwaas oo kala taliya golaha dhanka farsamada iyo diyaarinta dokumentiyada la hor geynayo golaha.
Mas’uuliyadda Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa noqoneysa sida xeerku caddeynayo:
1- Kala talinta Dowladda dhaqaalaha iyo diyaarinta istiraatiijiyadda siyaasadda dhaqaale iyo maaliyadeed ee dalka.
2-Waxa uu dowladda kala talinayaa sida ugu habboon ee lagu hanan karo himilooyinka dhaqaale iyo maaliyadeed ee heer Qaran
3-Waxa uu talo ka bixinayaa shuruucda arrimaha Federaalka ee la xiriirta dhaqaalaha iyo kheyraadka dalka
4- Waxa uu ka caawinayaa dowladda u hoggaansanaanta qawaaniinta gudaha iyodibadda ee la xiriirta arrimaha dhaqaalaha iyo shuruudaha waajibaadka taageerada maaliyadeed e dibadda laga helo.
Muqdisho 27ta Luulyo 2018 Dabley ilaa iyo hadda aan la garan ayaa xalay toogasho ku dilay xildhibaan hore oo ka tirsanaa Baarlamaankii 9aad ee dowladdii KMG oo lagu magacaabi jiray Cali Maxamed Cabdi.
Dableyda ayaa la sheegay in xildhibaanka ay ku weerareen gurigiisa, iyaga oo toogashada kaddib-na goobta ka baxsaday, waxaana geeridiisa warbaahinta u xaqiijiyay xildhibaan Cali Jowhar oo ay siweyn isku garanayeen marxuum-ka.
Galinkii danbe ee shalay ayeey aheyd markii Askari ka tirsan ciidamada dowladda uu toogasho ku dilay Sawir qaade ka tirsanaa TV SBS degmada Waaberi isla magaalada Muqdisho.
Wali kama aysan hadali laamaha Amniga dowladda dilalkan ka dhacay magaalada 24kii saac ee la soo dhaafay gaar ahaan dilka xildhibaanka ka tirsanaa Baarlamaankii 9aad ee Soomaaaliya.
Muqdisho 27ta Luulyo 2018 Dowladda Turkiga ayaa cambaareysay weerarkii ay Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen Markab Shidaal oo laga leeyahay dalka Sacuudiga.
“Waxaan cambaaraynaynaa weerarkii lagu qaaday laba Markab shidaal, oo laga lahaa Sacuudi Carabiya, kuwaas oo marayay Marinka Bab-el Mandeb, ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Turkiga.
Turkiga aya ku baaqay in la joojiyo tallaabooyinka noocaas ah, oo khatar galinaya amniga Badda, waxaana ay intaa ku dartay in ay sii kordhin karto xiisadda hadda ka jirta Gobolka.
Maalin ka hor ayeey aheyd markii Xuuthiyiinta ka dagaallanka dalka Yemen, taageerada ka haysata Iiraan ay weerar Gentaallo ah ku qaadday Laba Markab oo siday Shidaal, lagana lahaa Dalka Sacuudiga, iyadoo uu dhaawac yar kasoo gaaray mid ka mid ah Maraakiibtaasi oo lagu magacaabo Damaam.
Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed 27ta Luulyo 2018 Afhayeen u hadlay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal ballaaran oo ay sameeyeen ciidamada maamulka iyo kuwa dowladda Soomaaliya ku dileen xubno dagaalyahanno iyo saraakiil isugu jira oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.
Nuura Diin Yuusuf oo ah afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in saraakiisha la dilay uu ka mid ahaa wiil Al-shabaab ugu magacaaw-naa deegaanka Ufurow oo ka tirsan gobolka Baay.
Laakiin afhayeenku ma uusan sheegin magac-yada dagaalamayaasha iyo saraakiisha ka tirsanaa Al-shabaab ee howlgalka lagu dilay, hasse ahaatee waxaa uu sheegay in ciidamada maamulka iyo kuwa dowladda wali sii wadaan howlgalada ka socda deegaannada uu maamulku ka arrimiyo ee ku jira gacanta Al-shabaab.
Koonfur Galbeed waxaa ay ka mid ah deegaannada ay wali ku xoogga badan yihiin Al-shabaab, iyaga oo go’doomin iyo weerarro joogta ah ku haya degmooyinka ay maamusho dowladda ee gobollada Baay iyo Bakool.
Ethiopia 27ta Luulyo 2018 Engineer Simegnew Bekele oo ahaa Maskaxda Dhismaha Biyo-xireenkaasi ayaa la sheegay in maydkiisa saakayto laga dhex helay gaarigaasi oo yaallay Fagaaraha Meskel ee bartamaha Addis Abeba.
Idaacadda FANA oo taabacsan Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay inaan la ogeyn waxa sababay geeridiisa, waxaana socdo baaritaanka dilkaasi.
Simegnew Bekele waxa uu ahaa Maareyihii Mashruuca Biyo-xireenka loogu magac daray Dib-u-curashadda Ethiopia, ( the Grand Ethiopia Renaissance Dam (GERD), kaasi oo laga dhisayo Galbeedka Ethiopia, wuxuuna noqon doontaa Biyo-xireenka ugu weyn Qaaradda Afrika oo dhan.
Dhismaha Biyo-xireenkaasi oo la bilaabay sannadkii 2011-kii waxaa ku baxaysa kharaj dhan 4.7 Billion oo Dollar, waxaana la filayaa inuu soo saaro Koronto awoodeedu dhan tahay 6,000 oo megawatts.
Dowladaha Masar iyo Suudaan waxay qeylo-dhaan ka keeneen inuu Biyo-xireenkaasi wax u dhimayo Saamiga Biyaaha ee ay ka helaan Webiga Nile oo ka soo faruurma Ethiopia.
Muqdisho 27ta Luulyo 2018 Sawir qaade ka tirsanaa T-V SBS xaruntiisa magaalada Muqdisho oo lagu magacaabi jiray Cabdirisaaq Khaasim Imaan ayaa waxaa gallinkii danbe ee maanta toogasho ku dilay askari tirsan ciidamada dowladda degmada Waaberi.
Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa siweyn u cambaareeyay dilka suxufigan oo marka laga sootago xerfada Kaamirada sidoo kale ahaa farsame yaqaan.
Agaasimaha TV uu ka tirsanaa suxufigan oo lagu magacaabo Maxamed Nuur Dhaqane ayaa sheegay in uusan garaneynin sabab keeni karta dilka qof rayid ah oo aan hubeysneyn ama xitaa aan wax danbi ah ku lug laheyn, isaga oo ka dalbday dowladda Soomaaliya sharciga la horkeeno askarigii ka danbeeyay dilka.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo laamaha Amniga ay ka soo saareen warka ku saabsan askariga dilay Wariyaha.
Muqdisho 27ta Luulyo 2018 Kooxo hubeysan ayaa goor dhow Askari ka tirsan Ciidamada dowlada ku dilay inta u dhaxeysa isgoyska Dabka iyo Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Ragii dilka geystay oo ku hubeysnay bistoolado ayaa goobta ka baxsaday isda goobjoogayaal ay u sheegeen Widh Widh Online
Ciidamada amaanka ee magaalada Muqdisho ayaa goobta gaaray mana jiraan cid ay usoo qabteen falkaasi dilka ah ee maanta rag hubeysan ay u geysteen Askari ka tirsanay Ciidamada minashiibiya Soomaaliya.
Majiraan faafaahin intaas dhaafsiisan oo laga helayo falkaasi dilka ah ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

WARARKA MAANTA 25ta Luulyo 2018 Sir Culus!

Su’aallaha Maanta: Yaa Argagixisadda Al-Shabaab katirsan? Yaa xukumma Soomaaliya? Ma waxaa Soomaaliya xukumma Mr. Fahad Yaasiin “Laan-Dhaariye” , Farmaajo “Been-Hawaas” mise Kheyrlaawe “Bakhti-Raam-Sade?Maxayse oo kordhin karaa labada taliyayaal oo horay ugu fashilmay xilalkoodii in hadda dib loogu magacaabo taliyayaasha ugu sar-sareeya? Ma waxaa la qarin karaa musuqmaasuqa baahsan ee ay beesha caalamka ugu diiday inay wax dhaqaallo ah siiso xukuummadda fashilantay ee uu hoggaaminaayo Khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” oo xaqiiqsaday inaysan beesha caalamka wax dhaqaallo ah siin doonin xukuummaddiisa? Maxayse Ummadda Soomaaliyeed uga codsanaysaa inuu Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaaajo “Been-Hawaas” xilka Raysal Wasaarinimo ka qaado Khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” 93.7? Mudane Madaxweyne Farmaajo, Ummadda Soomaaliyeed wey soo jeedaa ee inta aan mudaaharaadyo sidii kuwii lagu riday Madaxweyne Mursi iyo rag badan oo kale aysan ka bilaaban Muqdisho, waxaa kuu roon in caad shaqada ka cayriso Khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” si deg deg ah inta aan siro badan iyo heshiisyo qarsoodi ah uu saxiixay aan la soo daabicin! Xukuummadda Khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” way fashilantay haddana beesha caalamka waxay xaqiijisay ragga argagixisadda ah ee ka dhex shaqaynaaya Dowladda Soomaaliya kuwaasoo xilal sar-sare ka haya Dowladda Soomaaliya oo la soo daabici doono!

Jigjiga 25ta Luulyo 2018 Ciidamo aad u hubeysan ayaa la soo dhoobay magaalda Jigjiga kaddib rabshado saacadihii ugu danbeeyay ay ka dhigeen magaalada dad u badnaa dhalinyaro ka cabanaya maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee uu horkacayo madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.

Dad u badan dhalinyaro ayaa la arkayay maalintii shalay iyaga oo isugu soo baxay dariiqyada magaalada Jigjiga kuna qeylinaya erayo ka dhan ka ah maamulka dowlad deegaanka Soomaalida, dhinaca kalana dalbanayay in la sii daayo dadka wali ku xir xiran xabsiyada Jigjiga gaar ahaan xabsiga lagu magacaabo Jeel Ogaadinaya.

Horay maamulku wuxuu u sheegay in gabi ahaanba la xiray Jeelkan oo ahaa ugu ballaaran oo ay ku xir-xirnaayeen dadka loo heysto arrimaha siyaasada ee xiriirka-na la leh Ururrada mucaaradka.

Balse dadkan cabanaya ee rabshadaha ka dhagay Jigjiga ayaa ku doodaya in ay wali jiraan dad ku jira gacanta maamulka, islamarkaana loo geysanayo tacadiyo kala duwan.

Maamulka ayaa amray in xiliyada habeenkii aan wax dhaqdhaqaaq ah laga sameyn karin magaalada oo lagu arkayo ciidamo aad u hubeysan oo amaanka sugaya.

Shabelle Dhece 25ta Luulyo 2018 Sida laga soo xigtay dadka deegaanka diyaarado dagaal xalay ayaa fiidkii duqeyn ka geystay deegaanka Qalimoow ee gobolka Shabeellaha dhexe oo galinkii danbe ee shalay ay la wareegeen xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ka hor inta aysan maqal jugta gandaallada ay deegaanka dul mareen waa sida ay hadalka u dhigeen diyaarado dagaal, kuwaa oo u muuqday in ay bartilmaameedsanayeen xoogagga Al-shabaab oo deegaanka isaga baxay ka hor inta aysan diyaaraduhu weerarin.

Al-shabaab ayaa ku dhawaad Labo saacadood ku sugnaa gudaha deegaanka Qalimoowka hor inta aysan isaga bixin xalay fiidkii, iyaga oo dadka deegaanka ku war-galiyay in aysan wax macaamil ah la yeelan dowladda federaalka iyo maamulka gobolka ka jira.

Deegaankan Qalimoow 30km ayuu degmada Balcad ka xigaa dhinaca magaalada Jowhar, waxaana ku dhaqan dad u badan xoolo dhaqato, waana marin isku xira labada degmo ee Jowhar iyo Balcad.

South Afrika 25ta Luulyo 2018 Labo dhalinyaro Soomaali ayaa saacadihii ugu danbeeyay lagu waramayaa in lagu dilay xaafaddaha isku raranka ah ee galbeedka magaalada Cape Town dalka Koonfur Africa sida laga soo xigtay Jaaliyada Soomaalida Koonfur Africa.

Dhalinyarada la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Ismaaciil Cabdi Macow iyo Cali Maxamuud Cadow oo xalay la dilay, sidoo kalana waxaa la dhaawacay saddex dhalinyaro Soomaali ah gudaha magaalada Cape Town , kuwaa oo dhaawaca kaddib laga qaaday hantidii dukaanka u taalay.

Dilalkan ayaa lagu waramayaa in ay geysanayaan burcad madow South African ah, kuwaa oo la sheegay in ay u socdaan koox koox, qaarkood-na isku soo ekeysiiya dad macaamiil ah oo doonaya in ay dukaamada wax ka iibsadaan.

Ma jirto wax tallaabo ah oo ay dowladda Koonfur Africa ka qaaday kooxahan dilalka iyo dhaca u  geysanaya ganacsatada Soomaaliyeed , inkastoo marar badan oo hore saraakiisha Amnigu sheegeen in ay wax ka qabanayaan.

Maamul Somaliland 25ta Luulyo 2018 Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo ayaa sheegay in rajo wayn uu ka qabo in la ictiraafo Somaliland isla markaana ay xaq tahay ictiraafka Somaliland.

“Rajo wayn baan ka qabaa, waxaan hubaa sida wadkayga aan u hubo in Somaliland la ictiraafayo, waayo waa xaq baadil maaha, Somaliland dooni mayso wax aanay lahayn waxay doonaysaa kaliya waxay leedahay..” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Saca Cali Shire.

Sacad Cali Shire waxaa uu sheegay in Somaliland ay ahayd waddan madax-banaan oo waddan kale ku darsamay hase ahaatee uu Xaqsoor iyo wanaag uu ka filaayay ka waayay waddankii ay la midoobeen.

Wasiir Sacad waxaa kale oo uu yidhi; “qof walba oo aan la hadlo oo aan ka garaabin (Ictiraafka Somaliland) ma jiro, maadaama aan garowshiyihii haysano waxaa innoo xigaa ictiraafki weeye”

Muqdisho 25ta Luulyo 2018 Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta daah-furay shirka caalamiga ah ee waxbarashada sare oo diiradda lagu saarayo hannaanka waxbarashada sare ee bulshooyinka colaadaha kasoo kabanaya.

Shirkaan oo sannadkiiba mar la qabto, qaban-qaabadiisana ay leedahay jaamacadda ummadda Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qayb galay wasiirrada waxbarashada iyo qorshaynta, xildhibaanno, Safiirro, xeer ilaaliyaha qaranka iyo aqoonyahnno ka socda jaamacadaha gudaha iyo dibadda, waxaana laga filayaa natiijo wanaagsan oo ka qayb qaadanaysa horumarinta hanaanka waxbarashada sare.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay gudoomiyaha jaamacadda ummadda Soomaaliyeed qaban-qaabada kulankaan muhiimka ah, waxa uuna ka qayb galayaasha kula dardaarmay in ay maskaxda shiilaan oo sedaxda maalin ee shirkani socanayo ay soo saaraan natiijo kaabaysa horumarinta waxbarashada sare ee dalka.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa shir-gudoomiyay kulankii labaad oo looga hadlayo qorshaha horumarinta hawlaha dekadda Muqdisho kaas oo daba socday go’aankii guddiga amniga qaranka ee ahaa in Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, wasaaradaha Maaliyadda, Dekedaha, Amniga iyo maamulka gobolka Benaadir la yimaadaan qorshe sida ugu dhaqsiyaha badan 24-saac ku shaqeyn karto Dekedda Muqdisho, si looga jawaabo baahiyaha Ganacsi ee ay qabaan Ganacsatada Soomaaliyeed.

The UAE 25ta Luulyo 2018 Dalka Imaaraadka Carabta waxaa ku sugan Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki, labadan Hogaamiye ayaana casuumad ka helay dowlada Imaaraadka.

Maxamed Bin Zayed oo ah Dhaxal Sugaha Imaaraadka Carabta ayaa Abaal marinta ugu sareysa dalka Imaaraadka gudoonsiiyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.

Imaaraadka ayaa ku amaanay labadan Hogaamiye doorkii weynaa ay ka qaateen sidii loo dhameyn lahaa colaadii labada wadan u dhaxeysay loona gaari lahaa heshiisyo dhaxal gal u ah labada wadan.

Itoobiya iyo Eritrea ayaa soo afjaray colaadii mudada 20-ka sano u dhaxeysay, waxaana labada dowladood ay gaareen heshiisyo badan oo qeyb ka ahaayeen in dib loo furo safaaradaha labada wadan iyo in lasoo celiyo xiriirkii wanaagsanaa ee u dhaxeeyay.

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in kaalin muuqata ku laheyd sidii ay labada wadan uga heshiin lahaayeen colaadii ka dhax aloosneyd, waxa ayna Imaaraadka soo dhaweeyeen in labada wadan ay heshiis gaaraan.

Maxamed Bin Zayed ayaa mid taariikhi ah ku tilmaamay heshiiska ay gaareen dowladaha Itoobiya iyo Eritrea ee lagu soo afjaray colaadii dadka badan ku dhinteen ee ka dhax aloosneyd mudo 20-sano ah labada wadan.

Imaaraadka Carabta ayaa saameyn muuqata xiligan ku yeelanaya Siyaasada Qaarada Afrika gaar ahaan tan geeska Afrika, waxa ayna Imaaraadka saameyntooda mudooyinkii dambe aheyd mid kusii xoogeesaneysay Wadamo badan oo caalamka kamid ah.

https://www.youtube.com/watch?v=fqzBIafWigE&feature=youtu.be

WARARKA MAANTA 20ka Luulyo 2018 Sir Culus!

Su’aallaha Maanta:Maxay tahay sababta uu Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo “Been-Hawaas” isugu yeeray guddiga amniga qaranka oo uu ogaaday inaysan wax shaqo iyo awood lahayn kadiba markii la qabsaday Xafiiska Hay’adda Nabadsugidda Iyo Sirdoonka Qaranka kaa soo dukumiintiyo sir ah laga qaatay ayadoo si fiican loo qaatay liiska shaqaalaha Shabaab ugu jira ama uga dhex shaqeeya Xafiiska Hay’adda Nabadsugidda Iyo Sirdoonka Qaranka? Meeqo wasuuro oo naago dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba ku soo kufsaday ayaa kamid ah xukuummadda fashilantay ee uu hoggaaminaayo khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” kaasoo ay beesha caalamka si qayaxan ugu diiday inay wax dhaqaallo ah siiso xukuummad u hoggaaminaayo? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha soo socda? Mase ma waxaa iscali Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo “Bakhti-Raam-Sade” oo Ummadda Soomaaliyeed ay hadda u codeynayaa 98.2% inuu is-casilo ama casilo khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade”? Yaa maanta runta ka qarin kara Ummadda Soomaaliyeed? Igu sawir iyo is-tus-tusnimo waxba ka qaban karto qaran 30 sanno la burburinayey marka haddii aad u soo xushay kii ugu musuqmaasuqa badnaa inuu dalka Raysal Wasaare ka noqdo Mudane Farmaajo, hee ogoow dadka ma khaldi kartid oo waxaad ka baxaysaa Madaxtooyadda si ka xun sidii ay kuwii kaa horeeyey uga baxeen haddii kale si deg deg ah uga cayri khaa;inul waddan Mudane Kheyre oo fashilmay ama waad wada fashilanteen ee iscasil si uu asaguna isku-casilo!

Maraykanka 20ka Luulyo 2018 Wasaaradda arrimaha dibeda dalka Mareykanka ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in Liiiska Argagixisada lagu diray Ururka Jamaactu Al Hijra oo sida warbixinta lagu sheegay ka howlgala dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Mareykanka ayaa sheegay in kooxda sanadkii 2008-dii lagu ku aas aasanatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ay ka mid yihiin xiriir dhaw-na la leeyihii UrurkaAl Shabaab.

Warka ayaa intaa ku daraya in kooxdan gacan geystaan askareynta xubnaha Shabaab ku biiraya, waxaan ay fududeysay in xubnaheeda ay si caadi ah ugu socdaalaan Soomaaliya, si ay uga qeyb qaataan falalka argagixisanimo.

Mareykanka ayaa talaabadan uu qaaday ku micneeyay in la takooro ururadaasi Argagixisada ah iyo kuwa ku abtirsadaba, islamarkaana laga hor istaago inay soo gaaraan hanaanka Maaliyadeed ee Mareykanka, sida bayaanka lagu sheegay.

Muqdisho 20ka Luulyo 2018 Guddiga Amniga Qaranka oo kulan ku yeeshay xalay magaalada Muqdisho ayaa soo saaray awaamiir ku aaddan amniga caasimadda iyo Dekedda Muqdisho.

Madaxweynaha J.F.S Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isugu yeeray guddiga Amniga Qaranka, si looga jawaabo cabashooyin ka yimid shacabka caasimadda, dood dheer oo ay yeesheen guddiga keddib waxa ay soo saareen qodobbada soo socda.

Guddiga waxa uu falanqeyn iyo doodo keddib boggaadiyey ciidammada amniga sida ay uga jawaabbeen ficillada una hor joogsadeen sida hadalka loo dhigay ficillada Argagixisada.

Guddiga waxa uu tacsi u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee ku wax-yeelloobey falalkii u dambeeyey ee Argagixisada Al-shabaab ka geysteen magaalada Muqdisho.

Iyadoo si dhaqsi leh looga jawaab celinayo cabashada shacabka Guddiga Amniga Qaranka ayaa go’aamiyey in muddo 48 saacadood ah lagu furo waddooyinka xiran sida Soddonka, Maka Al-mukarramma, Afisyooni iyo kuwa kale ee la midka ah, ciidammada amniguna ay gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta iyo xasllinta nabadgelyada caasimadda.

Guddigu waxa ay ku amreen Wasaaradaha, Maaliyadda, Gaadiidka, iyo maamulka gobolka Benaadir in ay dib u eegis ku sameeyaan hannaanka isticmaalka waddooyinka caasimadda, macdamaa ay sii kordheen tirada Gaadiidka iyo Bajaajyada ee soo galeysa gobolka Benaadir.

Sidoo kale Guddiga ayaa isku raacay in Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, wasaaradaha Maaliyadda, Dekedaha, Amniga iyo maamulka gobolka Benaadir la yimaadeen qorshe sida ugu dhaqsiyaha badan 24-saac ku shaqeyn karto Dekedda Muqdisho, tan oo ka jawaabeysa baahiyaha Ganacsi ee ay qabaan Ganacsatada Soomaaliyeed.

London 20ka Luulyo 2018 Waxaa isbitaal ku yaala magaalada London ee dalka Britain xalay ku geeriyooday rug cadaa saxaafadeed Alle u ha u naxariisto Yoonis Cali Nuur in ka badan 30 sano ka tirsnaa Laanta Afka Soomaaliga ee BBCda.

Laakiin waayadii ugu danbeeyay yoonis waa uu ka fariista ka shaqeynta Warbaahinta isaga oo ahaa la taliye sare oo dhinaca Warfaafinta iyo guud ahaanba warbaahinta u ahaa xukuumadda Somaliland.

Marxuum-ka ayaa la sheegay in waayadii ugu danbeeyayb uu xanuunsanaa isaga oo lagu daweynayay isbitaal ku yaala magaalada London oo uu ugu danbeyntii xalay ku geeriyooday.

Saciid Cali Muuse oo ay muddo dheer soo wada shaqeynayeen Wariye Yoonis ayaa sheegay in mudo dheer-ba uu ka cabanayay marxuum-ka xannuun dhinaca beerka ah oo ugu danbeyntii uu u geeriyooday.

Yoonis waxaa uu ka mid ahaa wariyayaasha ugu qibrada badan mihnada saxaafadda guud ahaan, sidoo kalana waxaa uu ka mid ahaa marka laga hadlayo dhinaca tabinta Barnaamijyada iyo wararka wariyayaashii ugu fiicnaa ee soo mara Soomaaliya

Maraykanka 20ka Luulyo 2018 Dad gaaraya ilaa 500 oo Soomaali ah ayaa ka badbaaday in laga masaafuriyo dalka Mareykanka kaddib markii Waaxda arrimaha dibeda dalka Mareykanka ee loo yaqaan Home Land Security u cusbooneysiiyay sharciga TPS-ka.

Waxaa la sheegay in aritan ay ay ku timid kaddib markii Senataro Mareykan ah oo gaaraya 22 iyo Hay’adaha u dooda xuquuqda aadaha ay barnaamijkan kala hadleen dowladda Mareykanka, sidaasina waqtiga sii joogitaankooda dalkaasi loogu kordhiyay.

Shantan boqol ee somalida ah ayaa horey ugu joogay waddankan isla sharcigan TPS-ka oo ah sharci badbaado KMG siinaya qaxootiga Soomaliyeed ee aanan sifo amni awgeed dalka Somalia dib loogu celin karin.

Tan iyo markii talada dalka Mareykanka uu la wareegay Madaxweyne Donald Trump, Soomaali badan ayaa dib looga soo celiyay dalkaasi, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay dambiyo ka galeen Mareykanka iyo inay aysan heysan sharciga deganaanshaha.

Muqdisho 20ka Luulyo 2018 Xafiiska Taliye ku-xigeenka koowaad ee Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Gen. Cabdalla Cabdalla Max’ed ayaa la sheegay in la jabsaday, iyadoo arrintana ay ku soo beegantay xili khilaaf ba’an uu ka dhex aloosan yahay masuuliyiinta heyaddaas.

Wararka ayaa sheegaya in la burburiyey qalabkii Xafiiska iyo aqabkii yiilay, iyadoo dokumentiyadii ku jiray qaarkood la qaatay kuwo kalena xafiiskiisa dhexdiisa lagu daadiyey.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in falkan ay ka dambeeyeen ciidamo ka tirsan NISA oo ka amar qaata Agaasimaha Hay’adda NISA Xuseen Cismaan Xuseen (Uurkuus) oo dalka ka maqan.

Xafiiska Taliye ku-xigeenka NISA Cabdalla Cabdalla oo ku dhex yaalla xarunta NISA ee Habar Khadiija loo yaqaan ayaa waxaa loo geystay fal ay saraakiisha NISA ku tilmaameen mid taariikhda Hay’adda ku cusub.

Talaabadan ayaa ku soo beegantay xili Agaasimaha Guud ee Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen uu maalmo ka hor shaqo joojin ku sameeyay labadiisa ku-xigeen ka dib khilaaf la sheegay inuu soo kala dhax galay.

Qoraal uu Isniintii ah soo soo saaray Xafiiska agaasimaha Hay’ada Nabad Sugida ayaa lagu cadeeyay in shaqada laga joojiyay ku-xigeenadiisa kala ah, Sareeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed iyo Col. C/qaadir Maxamed Nuur oo loo yaqaano Jaamac.

Muqdisho 20ka Luulyo 2018Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay isugu yeeray guddiga Amniga Qaranka, si looga jawaabo cabashooyin ka yimid shacabka caasimadda.

Guddiga Amniga Qaranka oo kulankooda ku yeeshay xalay magaalada Muqdisho ayaa soo saaray awaamiir ku aaddan amniga caasimadda iyo Dekedda Muqdisho, dood dheer oo ay yeesheen guddiga keddib waxa ay soo saareen qodobbada soo socda.

Guddiga waxa uu falanqeyn iyo doodo keddib boggaadiyey ciidammada amniga sida ay uga jawaabbeen ficillada argagixisada, isla markaana ay u hor joogsadeen nabad-diidka oo doonayey in ay shacabka masaakiinta ah u geystaan khasaare xooggan

Guddiga waxa uu tacsi u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee ku waxyeelloobey falalkii u dambeeyey ee Al-shabaab ka geysteen magaalada Muqdisho.

Iyadoo si dhaqsi leh looga jawaab celinayo cabashada shacabka Guddiga Amniga Qaranka ayaa go’aamiyey in muddo 48 saacadood ah lagu furo waddooyinka xiran sida Soddonka, Maka Al-mukarramma, Afisyooni iyo kuwa kale ee la midka ah, ciidammada amniguna ay gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta iyo xasllinta nabadgelyada caasimadda.

Guddigu waxa ay ku amreen Wasaaradaha, Maaliyadda, Gaadiidka, iyo maamulka gobolka Benaadir in ay dib u eegis ku sameeyaan hannaanka isticmaalka waddooyinka caasimadda, macdamaa ay sii kordheen tirada Gaadiidka iyo Bajaajyada ee soo galeysa gobolka Benaadir.

Sidoo kale Guddiga ayaa isku raacay in xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradaha Maaliyadda, Dekedaha, Amniga iyo maamulka gobolka Benaadir la yimaadeen qorshe sida ugu dhaqsiyaha badan 24-saac ku shaqeyn karto Dekedda Muqdisho, tan oo ka jawaabeysa baahiyaha Ganacsi ee ay qabaan Ganacsatada Somaliyed.

Muqdisho 20ka Luulyo 2018 Kadib markii xalay magalada Muqdisho ay kulan ku yeesheen gudiga amniga qaranka loogana hadlay arimaha amaanka wadooyinka xiran iyo sida looga gudbi karo caqabadaha jira ayaa waxa ka so baxay go,aamo waaweyn. Golaha ayaa ku baaqay in dib loo eego gadiidka faraha badan ee ka howlgala magaalada Muqdisho ee iskugu jira Gaadiidka gaarka loo leeyahay Kan dadweynha qaada iyo Bajaajta oo aad usii kordhaysa.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukumadda Soomaaliya Aadan Isaaq oo akhriyay go,aanka ka soobaxay gudiga amniga qaranka ayaa sheegay in Wasaradaha Maaliyadda Amniga Ganacsiga iyo maamulka Gobalka Banaadir loo xilsaaray in ay dib u eegaan.

Sidoo kalana Gudiga ayaa waxa uu sheegay in wixii xiligaan ka bilawda 24-sac ay shaqeyn doonto Dekadda magalada Muqdisho si loo yareeyo baahiyaha dadka eek u aadan hour-marka dalka

London 20ka Luulyo 2018 Xoghayaha Difaaca ee dalka Britain, Mark Lancaster ayaa hadalkaasi sheegay, kadib, markii uu soo dhamaystay Booqasho rasmi ah oo uu ku tegay Caasimadda dalka Uganda ee Kampala, wuxuuna tilmaamay in la kordhin doono Taageeradda la siiyo Hawlgalka ka socda Somalia ee AMISOM..

Xoghayaha waxa uu ammaanay doorka ay Uganda ka qaadato Hawlgalkaasi, wuxuuna xusay inay Britain sii kodhinayso Taageeradaasi.

“Xiriirka Difacaa ee aan Uganda la leenahay waa mid aad u xooggan, waxaana aqoonsanahay Qaaraanka ee ay u samaynayaan sidii Nabad iyo Deganaansho looga dhi=alin lahaa Bariga Afrika, iyadoo si khaas loogu sii gudbinayo AMISOM. Waxaana la qeybsanaa Rabitaankooda Nabadda Gobalka” ayuu yiri Xoghayaha Difaaca ee dalka Britain, oo intaasi ku daray inay baadi-goobayaan qababka loo siin karo Raageerada dheeraadka.

Dhinaca kale, Xoghayaha Difaaca ee dalka Britain, Mark Lancaster waxa uu la kulmay Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweeri Museveni oo ay isla eegeen Qaaraanka Britain ka geysato Hawlgalka AMISOM iyo kan ay Nabad-ilaaliyayaasha QM ka wadaan dalka Koonfurta Suudaan ee loo yaqaano UNMISS.

Xoghayaha Difaaca ee dalka Britain, Mark Lancaster waxa kale oo uu la kulmay Wasiiradda Difaaca iyo Arrimaha Dibedda ee dalka Uganda.

Jubbalanfd State 20ka Luulyo 2018 Waxaa sii kordhaaya khilaaf Siyaasadeedka ka dhex taagan Dowlada Somalia iyo maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe oo hadda ku sugan magaalada Brussels.

Khilaafka Dowlada iyo Maamulka ayaa xoogeystay kadib markii dowlada Somalia ay isku dayday inay la xisaabtanto maamulka, waxaana arrinkaasi marar kala duwan is hortaagay Hogaamiyaha maamulka Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe oo magaalada Brussels kulan khaasa kula qaatay mas’uuliyiin kasoo jeeda deegaanada Jubbaland iyo xubno kale ayaa sheegay in dowlada Somalia ay caqabad ku tahay isbedelada ay ku talaabeyso Jubbaland.

Waxa uu Madoobe sheegay in Madaxweyne Farmaajo ka hor ay ahaayen kuwo la jaanqaada dowladihii hore, hase yeeshee iminka ay ka dhamaan la’yihiin khilaaf iyo muran dhexmara dowlada iyo maamulka.

Axmed Madoobe, wuxuu tilmaamay in caqabada koowaad ay tahay mid kaga imaaneysa Madaxweyne Farmaajo, waxa uuna talaabooyinkiisa ku sifeeyay kuwo aysan marnaba aqbali doonin, waa haddii uu la imaan waayo isbedel.

“Anagu dooni meyno inaan ku mashquulno howlaha dowlada side ayay ku keentay inay naga dabaqaado, horay ayaan uga dignay hadana dowlada waan uga digeynaa inay nagu sii fogaato”

Axmed Madoobe, waxa uu cadeeyay in Madaxweyne Farmaajo uu uga baxay ballamo ay horay u wada galeen waxa uuna carab dhabay inuusan garankarin waxa Jubbaland keliya ku khasbaaya inay dhowrto ballamaha.

“Jubbaland haddii ay ka bixi laheyd balamaha waxaa la oran lahaa wey na khilaafeysa bal haddii Mdaxweynaha uu nooga baxaayo ballamaha maxaan oronaa”

Sidoo kale, Axmed Madoobe, ayaa Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uga digay inuu ka weecdo heshiisyada, waxa uuna cod dheer ku sheegay in Jubbaland ay mudan tahay in laga xishoodo maadaama aysan sabab u aheyn khilaafyada inta badan soo laalaabta.

Haddalka Axmed Madoobe iyo kulamada uu ku qabanaayo magaalada Brussels, ayaa kusoo beegmaaya iyadoo uu khilaaf hoosaad maamulkiisa kala dhexeeyo dowlada Somalia ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

https://www.youtube.com/watch?v=-NRWVwVgp-w

WARARKA MAANTA 19ka Luulyo 2018 Sir Culus!

Su’aallaha Maanta:Maxay tahay sababta uu Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo “Been_Hawaas” uu been aan sal iyo raad lahayn ugu sheegay jaalliyadda Beljamka deggan oo la yaabtay? Maxuuse nin ay qaroobo dhow yihiin ugu magacaabayt Taliyaha Sirdoonka kaasoo aan wax shahaado ama wax aqoon ah u lahay hawlaha amaniga ee la xiirar sirdoonka gudaha iyoa dibadda? Yaa noqon doona Madaxweynaha soos socda? Maxayse beesha caalamka si xun ugu bahdishay Madaxweyne Mudane Farmaajo “Been-Hawaas” oo sidii loo la dhaqmay Madaxweyne Maamul Gobaleed shirkii Brussells ee ay beesha caalamka rabtay inay magaca Ummadda Soomaaliyeed iyo Qaranka Soomaaliya ku sii cunnaan ayagoo sii gelinaaya qaan ka weyn tii hore loogu lahaa Soomaaliya? Yaa Ummadda Soomaaliyeed u soo magacabay khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre oo heshiisyadii qarsoodiga ahaa ee uu wada saxiixay si xeelladaysan loo wada kashifay asagoo ogaaday inaysan beesha caalamka wax dhaqaallo ah siinaynin xukuummadda fashilantay ee uu hoggaaminaayo Mr. Bakhti-Raam-Sade! Maxaadse khaa’imiin yahay u wada diidan tihiin inay dadka deggan gobalka Banaadir samaystaan Banaadir State ooo ay helaan xaquuqdooda adinkoo si cad u dhacaya canshuurta laga soo gurayo? Maxay labada aqal uga hadli layihiin in xuquuqda dadka deggan gobalka Banaadir loo sameeyo maamul hoosaad sida maamuladda kale ee dalka ka jira? Yaa la khaldayaa? Yaa xuquuqdooda lagu tumanayaa? Aaway nidaamkii awood qeybsiga?

Muqdisho 19ka Luulyo 2018 Ciidamada la dagaalanka hubka iyo burcada dalka Canada ayaa xabsiga u taxaabay oo xiray Lix dhalinyaro Soomali ay ka mid ahaayeen kuwaa oo loo shakiyay in ay heysteen hub sharci darro ah.

Dhalinyarradan ayeey ciidamadu ka soo qabteen guri ay ku sugnaayeen oo ku yaala bartamaha magaalada Toronto ee dalkaasi Canada, sidoo kale guriga dhalinyaradan laga soo xiray ayaa la helay hub.

“Booliska magaalada ayaa galay guri waxa ay ka soo qabteen Lix dhlinyro ah, dhinac marka aad ka eegto waa wax wanaagsan in ammaanka la sugo, balse dhinaca kale waa wax laga naxo in dhalinyaro Soomaali ah ka mid noqdaan dadka hubka sharci darrada ah lagu qabtay.” ayuu yiri Sadiiq Cali Xaashi oo ka mid ah dhalinyarada wax baratay ee  ku nool dalka Canada.

Magacyada dhalinyaradan la qabtay oo warbaahinta lagu soo bandhigay ayaa waxaa ka muuqday dhaliynaro Soomaali ah oo qeyb ka noqonaya dadka ku eedeysan in ay si sharci darro ah u heysteen hub, taasoo ah danbi.

Xariga dhalinyarada asalkoodu uu ka soo jeedo Soomaaliya ee dalka Canada ayaa marar badan oo hore siyaabo kala duwan u dhacay.

Muqdisho 19ka Luulyo 2018 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka Hindiya u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Suchitra Durai iyo wafti ay hogaaminaysay. Waxayna ka wada hadlayn xiriiirka qotada dheer ee labada dal iyo habka ugu wanaagsan ee ay u wada shaqayn karaan labada dawladood.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo safiirka Hindiya ee qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa iska xaal waraystay xaaladaha labada wadan iyo xiriirka wadashaqeneed ee ka dhaxeeya, waxayna isla garteen in la sii xoojiyo xiriirka wanaagsan ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Hindiya, si shacabka labada dal ay u kala faa’iidaystaan.

Suchitra Durai ayaa Ra’iisul Wasaare Khayre u sharaxday qorshaha ay dawladda Hindiya doonayso in ay kula shaqeyso Soomaaliya, sidoo kalena waxay u soo bandhigtay mashariic dhowr ah oo ay dawladda Hindiya ka hirgalin doonto Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo ay kulanka ku weheliyeen Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Wasiir Dawlaha Arrimha Dibadda ayaa madaxda Hindiya ku bogaadiyay sida wanaagsan ee ay Soomaaliya ula shaqeyaan, waxayna ku dhirigaliyeen shaqooyinka horumarka leh ee ay ka wadaan dalka.

Turkiga 19ka Luulyo 2018 Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay qaadday xaaladdii degdegga ahayd ee uu waddanku ku jiray, oo labo sano ka hor dalka la saaray kaddib markii uu dhacay afgambigii dhicisoobay.

Inta uu dalku ku jiray xaaladda degdegga ah kumannaan qof ayaa xabsiga la dhigay ama shaqooyinkooda ku waayey.

Laakiin dowladda ayaa go’aansatay hadda in gabi ahaanba la qaado xaaladda degdegga aheyd ee dalka saarneyd.

Go’aankan ayaa imanaya iyada oo ay dhowr toddobaad uun ka soo wareegtay guushii doorashada ee madaxweyne Recep Tayyip Erdogan

Xilliga ay socotay ololaha doorashada wax-yaabaha ugu horreeya ee ay xisbiyada mucaaradka marar badan sheegayeen ayaa wuxuu ahaa haddii ay doorashada ku guuleystaan in ay xaaladda degdegga ah dalka ka qaadayaan.

Brussels 19ka Luulyo 2018 Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa ka Warbixiyey Kulan uu la yeeshay Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Feysal Cali Waraabe oo ku sugan magaalada Brussels ayaa faahfaahin ka bixiyey  kulan uu la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Feysal ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo ka wada hadleen qodobo ay ka mid ahaayeen sidii deeqaha caalamka loo qeybsan lahaa,  joojinta dagaalka Somaliland iyo Puntland iyo  dib u bilaabida wadahadalladii Soomaaliya iyo Somaliland.

“Somaliland shirka qeyb kama aheyn, madaama aan doorkeedii la siin, balse annaga wafdigeenii halka nimid waxaan is aragnay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo aan ka wada hadalnay arrimo dhowr ah oo dhamaantood aan isku afgarannay’’ ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

Dhinaca dagaalka Tukaraq ee kala dhaxeeya Puntland ayuu sheegay in sidoo kale madaxweyne Farmaajo isla soo qaadeen

’’Annaga ayaa si gaar ah ugu eedeeynay oo ku niri arrintan haddii aadan gacan ku laheyn adigaa dhiiri-galiyay, runtii wuu ka dhaartay waanan rumeysannay, waxaana isku afgarannay in sidii arrintaa loo qaboojin lahaa uu doorkiisa ka qaato’’ ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha Soomaaliya isla soo qaadeen sidii mar kale dib loogu bilaabi lahaa wadahadalladii labada dhinac, isaga oo sheegay n ay isku afgartay in si dhaqso ah wahadalladaasi loo bilaabo

https://www.youtube.com/watch?v=AEBEqx-_lt4

WARARKA MAANTA 17ka Luulyo 2018 Sir Culus!

Su’aallaha Maanta: Maxaa ka dhacay shirkii Brussels ee uu Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam uu ku qasbay inuusan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo loo diido inuu ka qudbeeyo shirka dhexdiisa? Maxay beesha calaamka u diiday inay wax dhaqaallo siiso Xukuummadda Fashilantay ee uu hoggaaminaayo Khaa’inul Waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha soo socda? Yaa noqon doona Madaxweynaha Cusub ee Dowlad Gobeeledka Jubbaland? Meeqo madaxweynayaal Soomaaliyeed ah ayaa ka qaybgalay shirka Brussels? Maxay tahay sababta labo taliyo oo ka wada tirsan Hay’adda Nabadsugidda Iyo Sirdoonka Qaranka looga cayriyey shaqadooda? Ma waxaa la ogaaday inay la shaqaystaan Ururka Argagixisadda AL-Shabaab? Maxuuse u xiran yahay Aqalka Hoose? Maxuuse u aamusan yahay Guddoomiyaha Aqalka Hoose Mudane Mursal Sheikh “Bakhti-Uroone”? Yaa runta qarin kara?

Muqdisho 17ka Luulyo 2018 Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa si kulul uga hadlay dagaallada u dhaxeeya Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida Itoobiya, isaga oo ku baaqay in deg deg loo joojiyo dagaalladaas.

Hadalkan ayuu ka jeediyay Warbaahinta dowladda kaddib markii ay halkaa ka dhoofeen magaalada Addis Ababa wafdiggii uu horkacayay madaxweynaha Eritrea Isaias Afewerk.

Abiy ayaa gaar ahaan siweyn u cambaareeyay dilalka joogtada ah oo dadka Oromada ah kula kacayaan Soomaalida, isaga oo faray laamaha Amniga guud ahaan in ay arintaa soo afjaraan.

Maalmihii ugu danbeeyay baraha bulshada ayaa siweyn loogu baahinayay Muuqaalo iyo Sawirro ka tarumaya xasuuqa iyo dilalka Oromada ay kula kacayaan dadka Soomaalida ah oo la arkayay iyaga meydadka dad Soomaaliyeed ku dul cayaaraya.

Dhinaca kale Ururrka ONLF oo ka mid ah Ururrada ugu waaweyn mucaaradka dalka Itoobiya ayaa ugu baaqay ra’iisal wasaare Abiy in uu soo afjaro dagaalka labada Qowmiyadood.

Masar 17ka Luulyo 2018 Baarlamaanka dalka Masar ayaa Isniinti shalay ansixiyay dhowr qodob oo sharci ah oo uu ku jiro xeer u ogolaanaya dadka ajnabiga ah in ay heli karaan jinsiyadda Masar haddii ay dhigtaan bankiyada dalkaasi lacag dhan $400,000 afar boqol oo kun oo dollar.

Sharcigan ayaa dhigaya in qofka ajnabiga ah uu fursad u helayo inuu noqdo Masri haddii uu akownkiisa bankiyada Masar uu muddo shan sano ah uu dhigto 7 milyan oo giniga Masar ah isla markaana uu muddaaasi daganaato Masar.

Xeerkaan oo u baahan inuu saxiixo madaxweyne Abdel Fattah el-Sissi ayaa qeylo-dhaan xoog leh ka dhaxdhaliyay gudaha baarlamaanka iyo sidoo kale baraha bulshada.

Haitham el-Hariri oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka ayaa ku eedeeyay dowladda in ay iibineyso dhalashada Masar si ay usoo jiidato maalgeliyaasha ajnabiga ah.

Sidoo kale baarlamaanka Masar ayaa shalay ansixiyay xeer diidaya in aanan wax maxkamad ah lasoo taagi karin saraakiisha sare ee millatariga dalkaasi gaar ahaan kuwi hagayay ciidamada qalalaasihi dalkaasi ka dhacay sannadki 2013-ki ee lagu afganbiyay madaxweynihi hore Mohamed Morsi.

Muddadaasi ayaa waxaa la dilay boqolaal ruux oo ka mudaaharaadayay afganbigi xakunka looga tuuray Mursi.

Minnesota 17ka Luulyo 2018 Ururka u dhaqdhaqaaqa arrimaha Haweenka ee Bariga Afrika ee magaciisa loo soo gaabiyo VEAW, ayaa magaalada Minneapolis ku qabtay kulan looga hadlayay, Islaam-Nacaybka, Dambiyada salka ku haya isir-nacaybka iyo sidii ay bulshadu door uga qaadan lahayd nabad ku wada noolaanshaha.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay saraakiil ka kala socatay laamaha nabadgelyada ee magaalooyinka mataanaha ah ee St Paul/Minneapolis, Hay’adda danbi-baarista ee FBI iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobalka Minnesota.

Kulanka oo inta badan ay saraakiisha Amaanku bulshada su’aalo ugu jawaabayeen, ayaa waxaa xoogga lagu saaray in qof kasta oo ku dhaqan wadankan Mareykanka uu xuquuqdiisa ilaaliyay sharciga dalku, ciddii lagu xadgudbana ay cadaaladdu u hiilineyso, balse loo baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan xiriir loola sameeyo laamaha amniga.

Farxiyo Khaliif oo ah madaxa Ururka VEAW ayaa sheegtay in u jeedada ay kulanka u qabteen ay tahay ka dib markii ay soo bateen falalka la xiriir nacaybka ka dhanka ah dadka Muslimiinta ah ee ku dhaqan dalkan Mareykanka.

ONLF 17ka Luulyo 2018 Ururrka ONLF ayaa markii ugu horeysay bayaan ka soo saaray dagaalka u dhaxeya Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida ee dalka Itoobiya, kaa oo sababay khasaare ballaaran oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Cabduqaadir Xassan Hirmooge Cadaani oo ah afhayeenka Ururka ONLF oo la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay in dagaalladii ugu danbeeyay ee dhaxmaray labada Qowmiyadood ku dhinteen tiro ka badan 50 ruux.

Dowladda dhexe ee Itoobiya ayuu Hirmooge ugu baaqay in ay soo fara-galiso dagaallada u dhaxeeya Labada Qomiyadood oo haddii aan laga hortagi sida uu hadalka u dhigay yeelan doona cawaaqib aan la mahdin.

Ururka ONLF ayuu sheegay in uu aamin-san yahay in Labadan Qowmiyadood yihiin dad walaalo ah, sidaasi darteed-na ay goor hore ku war-geliyaan Ra’iisul Wasaare Aby Ahmed  in xukuumaddiisa ay wax ka qabato dagaaladan soo laa laabtay.

Dalka Itoobiya waxaa hadda ka jira isbadal xowli badan ku socda oo uu waddo ra’iisal wasaaraha cusub ee dalkaas Abiy Ahmed, waana tan keentay in Ururka ONLF oo mid ah Ururrada ugu xoogan dalkaas uu baaqani soo saaro.

Muqdisho 17ka Luulyo 2018 Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay culima’udiinka Soomaaliyeed kala hadashay in ay qeyb ka noqdaan dagaalka lagula jiro Ururrka Al-shabaab oo todobaadyadii ugu danbeeyay xoojiyay weerarrada ka dhanka ah xarumaha dowladda.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa kulan uu la qaatay qaar ka mid culimada Soomaaliyeed kala hadlay in ay qeybtooda ka qaataan ka hortaga falalka isugu jira xagjirnimada iyo argagixisada.

Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah culima’udiinka Soomaaliyeed qeyb-na ka ahaa kulanka ayaa warbaahinta u sheegay in leys dhaafsaday xog la xiriirta amaanka dalka iyo sidii ay culimi’mada Soomaaliyeed kaalintooda u qaadan lahaayeen, isaga oo dhinaca kalana sheegay in ay dowladda siiyeen tallooyin muhiim ah oo u baahan in la raaco.

“Waxaan yeelanay kulan muhiim ah, Ra’iisul Wasaaraha tallooyinkii aan u gudbinay wuxuu inoo sheegay in wax laga qabanayo, wuuna naga qanciyay, dowladdu waxay heysaa shaqo badan, annagana wixii karaankeena ah waan ku biirin doonaa” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Waa tallabaadii ugu horeysay oo dowladdu qaato si culima’udiinka kaalin mug leh looga siiyo howlaha lagu sugayo amniga dalka iyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab

Brussels 17ka Luulyo 2018 Shirka ka socda Magalada Brussels ee dalka Belgium-ka ayaa galay Maalintii labaad waxaana Maanta oo Talaado ah la filayaa in shirkaas la soo gaba gabeeyo,isla markaana laga soo saaro Warmurtiyeed ku saabsan waxyaabihii lagu heshiiyey.

Shirka oo shalay uu furey Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya ayaa lagaga hadlay “Siyaasadda loo dhan yahay ee dalka” oo ku saabsan doorashooyinka dalka, dib-u-habeynta ciidanka, la dagaallanka argagixisada, qeybsashada kheyraadka dabiiciga ah iyo hannaanka mideynta cashuuraha waddanka.

Maanta ayaa waxaa la galayaa wajiga labaad ee shirka,waxaana furi doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,waxaana si lmid ah shirka Maanta looga hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka dalka, dib-u-habeynta ciidanka, la dagaallanka argagixisada, qeybsashada kheyraadka dabiiciga ah iyo hannaanka mideynta cashuuraha waddanka.

Shirka ayaa waxaaa goobjoog ka ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo,xubno ka tirsan Golaha Wasiirada,Xildhibaano, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir madax ka tirsan Midowga Yurub, Midowga Afrika, Beesha Caalamka iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Sweden

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo masuuliyiinta heer Federaal ayaa ka dooday muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado qorsheyaasha lagu xaqiijinayo hiigsiga Soomaaliya ee sanadka 2020-ka, gaar ahaan qabyo-tirka dastuurka, dhammeystirka hannaanka Fadaraaleynta iyo qiimeynta qorshe-hawleedka doorashooyinka sanadka 2020-ka.

Muqdisho 17ka Luulyo 2018 Waaxda Caddaaladda ee dalka Mraaykanka ayaa sheegtay in Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Maria Butina shalay la so otaagay Maxkamadda Washington, kadib, markii lagu helay inay Basaas u ahayd dolwadda Raashiya.

Hadal ka soo baxay Waaxda Caddaaladda ayaa lagu sheegay inay Haweeneydaasi jebisay Shaarciga Maraykanka, isla markaana ay Maamulayaasha ka qarisay inay tahay Basaase u adeegaya Dowladda Raashiya

Haweeneydaasi oo 29-jir ah ayaa la sheegay inay xiriir la lahayd Shaqsiyaadka Maraykanka ee ka soo horjeeda Siyaasadda Maraykanka.

Xariga Haweeenydaasi ayaa la sheegay iyadoo ay Labada Madaxweyne ee Maraykanka iyo Raashiya kulan ku yeesheen caasimadda dalka Finland ee Helisinki.

Brussels 17ka Luulyo 2018 Rosemary DiCarlo oo ah Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Siyaasadda ayaa hadalkaasi ka sheegtay Shirweynaha Arrimaha Somalia ee haatan ka socda Caasimadda dalka Belgium ee Brussels.

“DFS waxaa looga baahan yhaay inay sii wadaan dadaalkooda ku aadan Dhisida Xiriir xooggan oo waxtar leh oo ay la yeeshaan Maamuladda oo dhan, Barlamaanka Federalka,. Dowladaha xubnaha ka ah Federalka, Kooxaha Siyaasadda iyo Ururadda ulshadda Rayidka, kuwaasi oo la faa’ideysan doona Hoggaaminta DFS ” ayey tiri Rosemary DiCarlo

Waxay intaasi ku dartay inay arrimahaasi taageero ka geysan doonaan Deganaanshaha Siyaasadda iyo in la qaado Dadaallo dheeraad oo lagu xoojinayo ka-hortagga cadaadisyadda khatarta leh ee wax u dhimaya Midnimadda.

Dhinaca kale, Kaaliyaha Khaaska ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Michael Keating oo ka hadlay Shirka Brussels waxa uu ku booriyey Beesha Caalamka sidii Somalia loogu dhowri lahaa Ajendaha Shirka.

Waxa uu intaasi ku daray in Nidaamka loo dhan yahay ee Siyaasadda Somalia u baahan tahay Dhismaha Kalsoonida sidii loo kordhin lahaa dhismaha Ammaanka Qaranka,

Shirka Brussels ee looga hadlayo Arrimaha Somalia waxaa la filayaa in maanta la soo gebagebeeyo, iyado olaga soo saari doono War-murtiyeed ay ku mideysan yihiin Beesha Caalamka, Madaxda DFS iyo kuwa Maamul-gobaledyadda.

https://www.youtube.com/watch?v=xg7UiVXdZEQ

WARARKA MAANTA 16ka Luulyo 2018 Sir Culus!

Brussels Isniin, July, 16, 2018 Waxaa goor dhaw magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka si rasmi ah uga furmay shir heer caalami ah oo loogu eegayo xaalada Soomaaliya iyo wax-yaabihii u qabsoomay dowladda hadda jirta.

Shirkan ayaa sidoo kale dib u eegis ku sameyn doona wax-yaabihii ka hergalay shirkii horey loogu qabtay magaalada London bishii May 2017-kii.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda dowlad gobolleedyada dalka ayaa shir kuwada sugan, waxaana sidoo kale shirka qeyb ka ah maamulka gobolka Banaadir.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo la hadlay warbaahinta ayaa rajo wanaagsan ka muujiya shirkan iyo qodobada la filayo in ay ka soo baxaan, isaga oo dhinaca kalana sheegay in madaxda dowladda ka qeyb-galayaasha shirka la wadaagi doonaan hormarada ka jirta gudaha dalka Soomaaliya iyo guulaha ay ku tallaabsatay sida uu hadalka u dhigay dowladda federaalka.

Garoowe July, 16, 2018 Maalmahaan waxaa magaalada Garoowe ee xarunta Puntland hawlo nabadeyn ah u joogey Isimo ka yimid maagaalada Hargeysa, joogitaankoodana aysan saxaafaddu u dhuundaloolin. Isimadaan ka yimid magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ayaa kulamo la qaatay qaar ka mid ah isimadda Puntland.

Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ka mid ah isimadda Puntland ee la kulmay wafdiga ayaa sheegay inay ku wargeliyeen arrinta Tukaraq inan wada-hadal laga gali karin inta ay ku suganyihiin ciidamada Soomaaliland, wuxuu ka hor-yimid go’aamo nabadeed wafdiga inay kala tageen Garoowe.

“Wafdigan iyagaa noogu yimid Garoowe, markan wareysanay waxay noo sheegeen nabadeyn inay u socdaan.. sidii uu ahaa dhaqanka Soomaalida in maxaabiis la isku celiyo waan soo dhaweynay.. waxaanse u sheegney arrinta Tukaraq wax wadahalka inan laga-gali karin inta ay joogaan ciidanka Soomaaliland.” ayuu yiri Suldan Garaase .

Gabagabadii, wuxuu caddeeyay Suldan Garaase xalka xiisada gobolka Sool ee Puntland iyo Soomaaliland inuu ku imaan karo marka ciidamada Soomaaliland ay isaga baxeen illaa deegaan Labida, isagoo marka xaqiijiyay go’aanka isimadda iyo dowladda inuu yahay wadahadal inan la-galin inta ay ciidamada Soomaaliland deegaannada ku suganyihiin.
Puntland State July, 16, 2018Wefti iskugu jiray madax dhaqameed iyo ganacsato reer Somaliland oo afar cisho joogay Garoowe ayaaa dib ugu soo laabtay magaalada Hargeysa, waxaanay ka warbixiyeen ujeedadda safarkoodda oo ay ku sheegeen mid nabadeed.

Weftigan ayaa sheegay inay ka jawaabayeen wefti hore oo uga yimid Garoowe oo ku casuumad inay Garoowe ugu yimaadaan, waxaanay xuseen in si wanaagsan oo walaaltinimo ah loogu soo dhoweeyey.

“guddidii uu hogaaminayey suldaan Maxamuud Guuleed Mire oo ka kooban salaadiin, odayaal, ganacsato, dhakhaatiir iyo aqoonyahano kale waxaa uu safarkayagu ahaa safar nabadgalyo”ayuu yidhi afhayeenka guddidan Jamaal Caydiid Ibraahim oo ka mid ah ganacsatadda reer Somaliland ee weftigan ka midka ahaa.

Jamaal Caydiid oo hadalka sii wata waxa uu yidhi “Safarkan waxaa ka horeeyey safar kale oo wefti ganacsatado iyo madax dhaqameed ka kooban nooga yimaadeen Garoowe, kuwaas oo u socday in umadda la isku soo dhoweeyo ayey tanna jawaab u ahayd, si gobinimo leh ayey madax dhaqameedkii iyo ganacstadiiba ay noogu soo dhoweeyeen Garoowe”.

Jamaal Caydiid waxa uu sheegay in qodobadda ay labada dhinac isku afgarteen ay ahaayeen in la waddo geedi socodka nabadda si loo kala badbaadiyo dhiiga walaalaha ah ee daadanaya iyo in khilaafka is fahan lagu dhameeyo, waxa kale oo uu sheegay inay isla garteen in soomaalinimadda iyo wada dhalashadda iyo khilaafka siyaasiga ah la kala saaro.

Waxaa kale oo uu sheegay inay isla qaateen in wixii kala fogaynaya umadda iyo wararka aan jirin dhinac looga soo wada jeesto iyo qodobka ugu dambeeya oo ah in maxaabiistii la isku gudbiyo si jawi nabadgalyo u timaado.

Weftigan ayaaa sheegay in qodobadan ay kala hadli doonaan xukuumadda Somaliland, haseyeeshe illaa hadda kama jawaabin xukuumaddu

WARARKA MAANTA 10ka Luulyo 2018 Sir Culus!

Su’aallaha Maanta: Maxay tahay sababta uu khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” shaqada uga cayriyey Afhayeenkii Wasaaradda Amniga Qaranka Mudane Cabdicasiis Xildhibaan oo sir badan kashifay iyo Wasiirkii Arrimaha Diinta Xassan Macalin Xuseen?

Maxay beesha caalamka u diiday inay wax dhaqaallo ah siiso xukuummadda fashilantay ee khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade”? Maxuuse khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” u rabaa inuu shaqada uga cayriyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Mr. Axmed Cawad oo si toos ah u diiday musuqmaasuqa maahsan ee uu xafiiska raysal wasaaraha? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha soo socda? Goorma/wakhtigee ayuu iscasili doonaa khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade”? Yaa maanta shacabka Soomaaliyeed ka qarin kara inay Ururka Argagixisadda Al-Shabaab Iyo Xafiiska Raysal Wasaaraha ay wada shaqayn ka dhaxayso ayadoo la xaqiijiyey inay nimankii wax qarxiyey wada wateen sharciyo sax ah oo laga sameeyey xafiiska raysal wasaaraha? Meeqo lacag ayuu khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” ku bixinayaa in la qariyo fashilka xukuummaddiisa ilo wada dadban? Yaa qarin kara tuugada cashuurta ka qaadayso Gobalka Baanadir ee hadda markii xilka laga qaado dibadda iskaga dhoofaaya sida khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade”? Yaa maanta runta qarin kara hee?

Muqdisho 10ka Luulyo 2018 Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyrre ayaa xilkii looga qaaday Wasiirka wasaaradda Arimaha Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumadda Soomaaliya.

Wareegtada ayaa lagu cadeeyay in xilkii laga qaaday wasiir Xasan Macalin Xuseen waxaana lagu badalay masuul cusub sida lagu sheegay Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Kheyrre.

Laascaanood 10ka Luulyo 2018 Waxaa magaalada Laascaanood soo gaadhay cali khaliif galaydh iyo xubno kamid ah Kooxdiisi Oo in mudo ahba ka hunguri Qabay maamulka Burburay ee Somaliland.

Qorshaha Safarka Cali khaliif galaydh Ee laascaanood Ilaa hada lama shaacin waxaa uu Salka ku hayo.

Cali khaliif galaydh Oo mar madaxweyne Ka soo noqday khaatumo ayaa Mudo laba sano ah waxaa uu ku sugnaa Deegaanka somaliland Isagoo isku Dhiibistii kadib Ka war Sugaayay Qodobo iyo Heshiis lagu soo xero galiyay   Fulintooda balse  mudada dheer aan cidi ka hoos qaadin hadalo badan oo uu jeediyay  xaflado badan cali khaliif.

Shacabka SSc ayaa aad u hadal haya Socdaalka cali khaliif iyagoo leh ‘Tolow ma Jiida iyo Sidii Axmed ismaacil Samatar buu soo guubaabinaya maleeshiyada SNM Mise Waa Soo cadhooday odeyg’u?

Lasoco Wixii ka soo kordha Sodaalka Galaydh

Turkiga 10ka Luulyo 2018 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaadhay magaalada Ankara halkaas oo berri lagu qabanayo munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed oo ka warbixiyay safarka Madaxweynaha ayaa yiri; “Madaxweynaha waxa uu halkan u yimid inuu ka qeyb qaato waaga cusub ee u baryaya walaalaheenna reer Turkiya keddib natiijadii doorashadii madaxtinnimo, waxaana rajeynaynaa in xiriirka soojireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiya heerka uu haatan taaganyahay inuu kasii xoogeeysto.”

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ka soo kicitimay magaaladda Jabuuti halkaas oo ay uga soo qeyb galeen Shirka Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha iyo munaasabad lagu daah furayay Suuqa Xorta ah ee Jabuuti.

Madaxweynaha waxaa safarkan ku wehliya Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Sheekh Axmed Khayr, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo La-taliyaha Arrimaha Dibadda ee Madaxweynaha Mudane Balal Cusmaan.

Muqdisho 10ka Luulyo 2018Rag hubeysan ayaa Xalay fiidkii nin ganacsada ahaa oo lagu magacaabi jiray Sheekh Xasan Cumar Mayow ku dilay magaalada Muqdisho gaar ahaan aga gaarka wadada Dabka. Marxuumka la dilay ayaa waxaa la dilay xili uu soo korayay dalacada Wadada Dabka kana yimid dhanka iyo isgoyska Bakaaraha, waxaana dilay Wiil yar oo bastoolad ku hubeysan sida Wiilkiisa uu u sheegay Widh Widh Online.

Goobta lagu dilay AUN Xasan Cumar Mayow ayaa waxaa dhowr talaabo u jiray Ciidamo ka tirsan NISA oo qaarkood la sheegay in ayaga goobta ay ka carareen halkii ay ka qaban lahaayeen Ninka dilka geystay.

AUN Xasan Cumar Mayow ayaa wuxuu ahaa Ganacsade ka shaqeynayay goob ganacsi uu asagu lahaa kuna iibinayay Waxyaabaha Far shaxanka ah, sida Widh widh online uu u xaqiijiyay C/qaadir Xasan Cumar.

C/qaadir ayaa sidoo kale yiri” Majirin shaqo Aabahey loo dili karo oo uu qabanayay ama takano uu qabay”

Dowlad Gobaleedka Koonfur Galneed 10ka Luulyo 2018 Kalafadhiga 5-aad ee Baarlamaanka maamulka K/galbeed ayaa goor dhow ka furmay magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee maamulkaas.

Kulanka waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha maamulka K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kulanka daah furay iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo hadda khudbad ka hor jeedinayo munayaasha Baarlamaanka maamulkaasi iyo Xubno kale.

Amaanka magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, kadib markii shalay halkaas uu gaaray wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Dowlad Gobaleedka Koonfur Galneed 10ka Luulyo 2018 Madaxweynaha dowlad gobolleedka  Koonfur Galbeed  Shariif Xasan Sheekh Aadan  ayaa ku eedeeyay howlgalka midowga Africa AMISOM in ay ku fashilmeen isku furida sida uu hadalka u dhigay Waddada xiriirisa Baydhabo iyo Muqdisho.

Shariif Xassan ayaa sheegay in marista waddadan muhiim u tahay bulshada isaga oo dowladda federaalka ugu baaqay in ay ka shaqeyso furista iyo nabadeynta waddadaasi.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dhibaatooyin badan ay ka jiraan wadsada xiriira Afgooye iyo Baraawe iyo mida kale ee aada Kismaayo.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa si cad u sheegay in Ciidamada AMISOM ay ku fashilmeen in ay furaan wadooyinka ay go’doomiyeen Al-Shabaab.

Al-shabaab ayaa inta badan waddada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, gaar ahan qeybta gobolka Shabeellaha hoose ka geysta weerarro isugu jira qaraxyo iyo kuwa toos ah, waxaana waddadaa bilihii ugu danbeeyay lagu dilay tiro dad ah oo ka mid ahaayeen xildhibaaanno iyo Wasiirro ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Maraykanka 10ka Luulyo 2018 Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa garyaqaan Brett Kavanaugh u magacaabay inuu noqdo mid ka mid ah xeer-ilaaliyaasha Maxkamadda Sare ee Mareykanka, si uu u bedello booska uu banneeyay Justice Anthony Kennedy oo howlgab noqday.

Munaasabad ka dhacday Qolka Bari ee Aqalka Cad si toos ahna looga daawanayay telefishinka, ayuu madaxweyne Trump kaga dhawaaqay in aysan jirin gudaha Mareykanka qof u qalanta oo kaga wanaagsan booskan Brett Kavanaugh.

wuxuu ku sifeeyay qaadi faqiih ah oo sharaf leh, oo u go,doomay sidii uu ugu adeegi lahaa dadkiisa iyo dalkiisa.

Kavanaugh, ayaa ah 53-jir aad ugu janjeera xisbiga muxaafidka ee uu ka tirsanyahay madaxweynaha.

Wuxuu 12-ki sano ee lasoo dhaafay ahaa qaadi heer federaal ah. Gaar ahaan maxkamadda racfaanka ee magaaladan Washington DC.

Sidoo kale wuxuu la-taliye u soo noqday madaxweynihi hore ee Mareykanka Goerge Bush. Si uu noqdo mid ka mid ah garsoorayaasha Maxkamdda Sare, wuxuu u baahnaan doonaa in ay ansixiyaan Golaha Senetka Mareykanka.

Turkiga 10ka Luulyo 2018 Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan ee mar kale la soo doortay ayaa magacaabay golihiisa xukuumadda wax yar uun kaddib markii xafiiska loo dhaariyay.

Madaxweynaha Turkiga ayaa wiilka uu Soddoga u yahay ee lagu magacaabo Berat Albayrak waxaa uu magacaabay in uu noqdo Wasiirka Maaaliyadda dalka Turkiga.

Erdogan ayaa dib loo doortay bishii aynu soo dhaafnay. Waxa uu sheegay in uu meesha ka saaray hab wadanka ka ragaadiyay dhan kasto hadii ay ahaan lahayd dhanka siyaasadda ama dhaqaalahaba.

Dib u doorashada Erdogan ayaa meesha ka saartay gabi ahaanba abkii baarlamaniga ahaa ee dalkaa lagu soo dhaqayay 95 sano ka hor.

Golaha Wasiirrada cusub ee uu soo dhisay madaxweynaha Turkiga ayaay isugu jira Wasiiro cusub iyo kuwo horay xilal uga hayay xukuumadda oo qaarkood loo daayay Wasiiradihii ay maamulayeen.

UK 10ka Luulyo 2018 Xoghayaha caafimmaadka ee dalka Britain, Jeremy Hunt ayaa loo magacaabay xilka wasiirka arrimaha dibadda ee Britain, kadib markii uu xilkaasi iska casilay Boris Johnson.

Ra’iisul wasaaraha Britain, Theresa May ayaa la kulantay cadaadis xoogan oo kaga imaanayay xisbigeeda, taasi oo ku saabsaaneyd qorshaha ay ku wajaheyso ka bixida midowga Yurub.

Wasiirkan cusub ee arrimaha dibedda ayaa imanaya xili Boris Johnson xoghaye arrimo dibeddeedkii hore uu sheegay in uusan la dhacsaneyn qaabka Theresa May ay u wajaheyso ka bixida mdiwoda Yurub, waxaana uu noqonayaa mas’uulkii labaad ee iscasila muddo afar iyo labaatan saac.

Waxaa horay isu iscasilay Mr David Davis oo Britain u qaabilsanaa wadaxaajoodka ka bixitaanka midowga Yurub oo xilkan loo magacaabay sanaddii 2016.

Arrintan ayaa carqalada horleh ku noqoneysa qorshaha Britain ay uga baxeyso midowga Yurub, iyada oo ay sagaal bilood oo keliya ay ka hadhay xilligii loo asteeyay in Britain ay ka baxdo midowga Yurub.

Waxaa sdioo kale soo baxaya warar sheegaya in siyaasiyiinta qaar ee iscasilay ay u hanqal taagayaan xilka ra’iissal wasaarinmada, inkastoo ra’iisul wasaare Theresa May oo ka hadleesay aqalka baarlamanka ay beenisay wararkaasi.

Theresa May ayaa waxaa kale oo ay sheegtay in aysan habooneyn in xildhibaanada xisbigeeda ay ku kala qeybsamaan ka bixida midowga Yurub, iyadoo na ka digtay in awooda uu la wareego hogaamiyaha mucaaradka ee xisbiga shaqaalaha, Jeremy Corbyn.

https://www.youtube.com/watch?v=jMph3rgUYMo

WARARKA MAANTA 7da Luulyo 2018 Sir Culus!

SU’aallaha Maanta: Maxay tahay sababta uu khaa’inul waddan Fahad Yaasiin ugu soo adeegsaday Ururka Argagixisada Al-Shabab inay soo weeraraan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Iyo Wasaasaradda Amniga Qaranka oo dad badan ay maanta ku dileen kuwo kalena ku dhaawacmeen? Ma waxaa ka dembeeya khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre oo horayba ay hay’addo dhowr ah oo caalami ah u kashifeen inuu la shaqaysto Ururka Argagaixida Al-Shabaab? Yaa Ururka Argagixisadda Al-Shabaab siiyey aqoonsiga iyo baabuurta wadatay taarikada dowladda ee sida tooska ah u gashay guriga ay wada deganaayeen Wasaaradda Arrimaha Guddaha Iyo Wasaaradda Amniga Qaranka? Maxayse ahayd sirta qarsoon ee loogu yeeray weriyayaal dhowr ah iyo dad dhallinyaro ah oo in badan ka wada shaqaynaayey lbadan wasaaraddood ee maanta ay Ururka Arggagixsadda Al-Shabaab soo weerareen? Meeqo nin/rag oo xilal sar-sare ka soo qabtay Ururka Al-Shabaab ayaa ka dhex shaqaynaayey labada wasaaraddood iyo taliska Hay’adda Sirdoonka NISA? Yaa maanta runta qarin kara? Maxaa si khaas ah loogu dilay Marxuum Maxamed Axamed Ilkace Iyo weriyayaashuu la joogay ee looga yeeray wasaaradda arrimaha gudaha? Maxay umalaynayaan inay khaldi karaan shacabka Soomaaliyeed ee ay marwalba qarxinayaan? Maxay tahay shaqada ka wada dhexaysa Xafiiska Raysal Wasaaraha, Agaasimaha Madaxtooyadda Fahad Yaasiin Iyo Ururka Aragixisadda Al-Shabaab? Yaa been loo sheegi doonaa? Ummadda Soomaaliyeed ee deggan gobalka Banaadir waa inay iska xoreeyaan dadkan maalinkasta qarxinaaya kadibna ay samaystaan Maamulka Gobalka Banaadir State iyo Ciidamo u gaar ah haddii kale raggan wada khaa’inul waddanka ah waxay sii wadi doonaan qaraxyada iyo sii bara-kicinta Ummadda Soomaaliyeed ee deggan gobalka Baandir! Kac oo iska difaaca tuugadan argagixisadda la shaqaynaysan!

Muqdisho 7da Luulyo 2018 Waxaa isasoo taraya khasaaraha ka dhashay weerarkii ismiidaaminta ku bilaawday ee lagu qaaday Xarumaha Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga oo ku yaalla Isgoyska Sayidka ee Magalada Muqdisho.

Dad isugu jira Shacab,Ciidan iyo masuuliyiin ka tirsanaa Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga ayaa weerarkaas ku waxyeeloobay kuwaas oo qaarkood la soo sheegayo in ay geeriyoodeen.

Warar ay heshay Shabakada dayniile ayaa waxa ay sheegayaan in dadka ku waxyeeloobay ee ka tirsan Wasaaradaha Arrimaha gudaha iyo Amniga ay ka mid yihiin Maxamed Axmed Ilkacase oo geeriyooday kaas oo tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha marna soo noqday Xoghayaha Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Dowladdii Madaxweyne Xaan Sheekh Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa.

sidoo kale Liibaan Cusmaan oo ka mid ah Agaasime waaxeedyada Wasaaradda iyo sidoo kale Agaasimaha Waaxda Amniga ee Wasaaradda uu ku dhaawacmay kaas oo magaciisa laguso gaabiyey Siyaad.

Wararkii u dambeeyey ee haatan na soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in weli gudaha Xarunta Wasaaradda Arrimaha laga maqlayo rasaas,waxan Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ay sheegtay in uu socdo howlgal lagu soo afjarayo weerarkaas.

Muqdisho 7da Luulyo 2018 Qarax labaad jugtiisa ayaa markale goordhow laga maqlay kaas oo ka dhacay meel aan ka fogeyn halka markii hore uu ka dhacay qaraxa,waxana sidoo kale weli dhaceysa rasaas.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxa labaad uu ka dhacay Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ku taalla Sayidka,waxana wararka qaar ay sheegayaan in rag hubeysan ay gudaha u galeen.

Uurada qaraxa ayaa la arkayaa waxaana sidoo kale ku sii qul qulaya Gawaarida gurmadka deg dega ee ambalaaska wali lama faahfahin karo khasaaraha ka dhacay qarxyada iyo dagaalka socda wali.

Muqdisho 7da Luulyo 2018Qarixii lagu weeraray Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Magalada Muqdisho ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay dad badan oo ku nool Magaalada Muqdisho.

Dadka uu saameynta ku yeeshay ayaa waxaa ka mid ah Wariyeyaasha,waxana Wararka aan heleyno ay sheegayaan in lagu la’yahay Wariye Xamdi Cabduqaadir oo ka howlgasha Bulsho Tv Xaruntiisa muqdisho.

Wariyaha ayaa xilliga uu qaraxa ka dhacayay waxa ay saarneyd Gaariga gobolka Banaadir ee lagu qaado Wariyayaasha kaas oo ku sugnaa meel aan ka fogeyn halka uu qaraxa ka dhacay,waxana gaariga saarnaa,iyada iyo Darawalka iyo qof kale kuwaas oo badbaaday balse Wariye Xamdi weli la’layahay.

Muqdisho 7da Luulyo 2018 War  ka soo baxay  wasaarada  Amniga Soomaliya  ayaa lagu sheegay  in la  soo afjaray weerarkii ismiidaaminta   iyo kii tooska ah ee  maanta ka dhacay  xarunta wasaarada Arimaha gudaha kaa oo dhacay maanta Barqadii

Laamaha amniga ayaa sheegay in ay ku soo afjareen 45 daqiiqa iyàgoona sheegay in shaqaalahii wasaarada la soo bad baadiyey

Heyadaha caafimaadka ayaa sheegay in ay ku dhinteen weerarkaas 8 qofhalka dhawaca lagu sheegay 17  kuwaa oo isugu jira kooxahii weerarka soo qaaday iyo  ciidanka amniga

Xaalada ayaa  ah xiligaan ah mid dagan oo  laga maqaleen  rasaasta

Dhanka kale ururla Alshabaab ayaa sheegtay weerarkaas in ay fuliyeen  rag iyaga ka socda kuwaa oo ay ku sheegeen in ay fuliyeen howshii loo dirsaday

Qoryooleey 7da Luulyo 2018 Wararka naga soo gaayaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in qarax lagu dilay guddoomiyihii hore ee degmada Qoryooleey ee G/Shabeellaah Hoose Cusmaan Maxamed Buraale.

Qaraxaan oo ahaa Miinada nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala eegtay Gaari nooca Xamuulka qaada oo uu saarnaa guddoomiyaha xilli uu marayay duleedka degmada Baraawe.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Baraawe ayaa waxa ay sheegeen in guddoomiyihii hore ee degamda Baraawe uu qaraxaasi ku geeriyooday halka uu ku dhaawacmay darawalkii gaariga kaas oo dhaawiciisa loosoo qaaday Magaalada Muqdisho.

Masuuliyiinta faah faahin intaasi dheer kama sii bixin,balse waxaa masuuliyada qaraxaasi sheegtay in ay ka dambeeyeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Muqdisho 7da Luulyo 2018 Dhacadaaan oo aad looga hadal haayo Jowhar ayaa la sheegay in Haweeneyda ay ku nooleed Xero barakac oo ku taalla magalada Jowhar,waxana warka soo saaray oo ka hadlay Maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe.

Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Sh/dhexe ahna Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Siyaasadda Maxamed Cabdi Sheekh ayaa sheegay in falkaasi kufsiga ah ay ka dambeeyeen rag isticmaalay waxyaabaha maanka dooriye xilli la sheegayey in ay ka dambeeyeen askar ka tirsan Ciidamada dowladda.

Sidoo kale waxa uu sheegay in howlgal ay sameeyeen ay gacanta ku dhigeyn Lix dhalinyaro ah oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen falkaasi kufsiga ah.

“waxba kama jiraan in ay yihiin askarta dowladda kuwa kufsiga geystay balse waa dad isticmaalay waxyaabaha maanka dooriyo,waxaan idiin sheegayaa in aan heyno lix dhalinyaro ah oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyaan kufsigaas oo aan baaritaan ku heyno ayuu yiri Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Sh/dhexe ahna Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Siyaasadda.

Isbitaalka Magalada Jowhar ee Xarunta Maamulka hir-Shabeelle ayaa haweeneydaas haatan lagu daweynayaa waxana ku booqday Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe.

Muqdisho 7da Luulyo 2018Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo xalay soo xiray Shirweynaha 3-aad ee Hoggaanka iyo Hal-abuurka oo lagu qabtay Muqdisho ayaa sheegay in xoogga, maskaxda, dhaqaalaha iyo awood waliba oo dalku kula tartamaayo aduunyada kale ay yihiin dhallinyarada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in si awoodaha dhalinyarada looga faa’iideeso ay tahay in dhalinyadu waxbarashada ku dadaalaan, isu abaabulaan sidii awoodda dalka gacantooda ugu soo noqon laheyd, caawiyaan laamaha amniga, ka qeyb qaataan kobcinta dhaqaalaha, la dagaalanka Musuqmaasuqa, una dul qaataan xanuunka la maraayo si mutqabal wanaagan loo gaaro.

“Waxaa lagu jiraaa qarni aadan noolaan karin hadii aadan aqoon laheyn. Si aqoonta dadka Soomaaliyeed loo dhiso oo aan ula tartanno bulshada adduunka waa in aan leenahay iskuullo iyo jaamacado soo saara dad Soomaaliyeed. Waa in aan kobcinnaa dhaqaalaha dalka, la dagaalnaa Musuqmaasuqa, amniga wax ka qabannaa, si aduunyadu noo aaminto waa in aan xanuun marnaa. Xanuunka cidda mareysa ee u adkeysanaysa waa cidda dooneysa in ay Mustaqbal yeelato, cidda mustaqbalka lehna waa adinka. Waa in aad isu abaabushaan qaabkii awoodda dalku gacantiinna ugu soo noqon laheyd”, ayuu dhallinyarada ku yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul wasaaraha waxa uu dhalliyada ku dhiirri geliyay in aysan u dhaqmin sida qof gurigiisa marti ku ah, dhex-dhexaadna aysan ka noqon mustaqbalka dalka Soomaaliyeed isaga oo ku adkeeyay in si dalka loo gaarsiiyo Mustaqbal wanaagsan ay tahay in dhaqankii hore la bedelo, doodana laga furo dhibka dalku soo maray, sababta ay ku timid, sababta xilliga dheer ay ugu qaadatay dadka Sooomaaliyeed in ay ku jiraan dhibka iyo sida looga bixi karo.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali khayre ayaa hoosta ka xarriiqay in lagu qasbanyahay in la dhagaysto codka iyo talada milkiilayaasha dalka oo ah dhallinyarada hase yeeshee ay tahay in dhallinyardu ka shaqeeyaan qaabkii ay kula xisaabtami lahaayeen madaxda dalka.

Muqdisho 7da Luulyo 2018 Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumada Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa sheegtay in isla xisaabtan iyo shaqo ku kormeerid adag ay ka bilaabaneyso wasaaradeeda.

Waxa ay sidoo kale tilmaamtay in shaqaalaha Wasaaradaasi ee aan gudan waajibaadka saaran tallaabo in laga qaadi doono, haddii aysan wax iska bedelin.
Wasiir Khadiija ayaa xustay in Shaqaalaha Wasarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha, kuwooda aan joogtada ahayn, ay ka shaqo iyo dadaal badan yihiin, kuwa joogtada u ah wasaarada.

Waxa ayna intaa ku dartay in haddii aysan shaqaalaha si wanaagsan u gudan waajibka saaran, ay wasaaradu fursad siin doonto dhallinyarada kale, si ay u dar-dargaliyaan shaqada Wasarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

Siakstaba ha ahaate Dowlada Soomaaliya waxaa jira caqabado hor gudboon kuwaa oo ugu horeeyaan shaqaalaha dowlada oo aan heesan tababar ku filan iyo aqoonta looga baahnaa shaqaalaha aan laheyn iyo dowlada oo wali maareyn la’a Shaqaalaha shaqooyinka ay qaban lahaayee waxana taasi abuurtay in shaqaalaha dowalda iska qaatan lacagta sida cayrti oo kale.

Somaliland Iyo Puntland 7da Luulyo 2018 Sida wararka inagu soo gaarayaan ayaa sheegaya in degaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Saacaddihii lasoo dhaafay ay Madaafiic isku weydaarsadeen ciidamada maamulada Somaliland iyo Puntland ee halkaasi ku sugan.

Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka Madaafiicda ayaa socotay dhowr Daqiiqo waxaana ka dhashay Khasaare Isku jira dhimasho iyo dhaawac.
Hal Askari oo ka tirsanaan ciidamada Somaliland ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay Madaafiicda ka dhacday degaanka Tukaraq.
Waxaa sidoo kale jira dhowr Askari oo uu dhaawac kasoo gaaray Madaafiicda.
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa sii xogeysatay xiisadda dagaal ee u dhaxeysa maamulada Somaliland iyo Puntland.

Labadda maamul ayaa wali waxa ay ciidamo kusoo daad guureynayaan degaanka Tukaraq , waxaana sidoo kale jira baaqyo ay wali dirayaan waxgaradka labada dhinac.

Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey ayaa u muuqda in ay si buuxda ugu guuldareysteen joojinta dagaalka degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

 

WARARKA MAANTA 6da Luulyo 2018 Sir Culus!

Muqdisho 6da Luulyo 2018 Haweeney Somali-Canadian ah oo u ololeysa Dhaqdhaqaaqa Dhallinyaradda ayaa loo magacaabay xubin ka tirsan Golaha La-talinta Ra’isul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau.

Habboon Cali oo haatan Arday ka ah Jamaacadda University of Toronto ayaa u sheegtay Shabakadda Muslim Link in loo magacaabay xubinnimadda Golahaasi oo 20 qof ka kooban, kuwaasoo dhinaca La-talinta ugu qaabilsan Ra’isul-wasaaraha dalkaasi.

Iyadoo ka hadleysay hawsha loo xil-saaray waxay tilmaantay in iyada mas’uul ka tahay bixinta Talooyinka Ra’isul-wasaaraha Canada iyo Xukuumadiisa laga siinayso dhinacyadda Caafimaadka Dhimirka, Dib u heshiisiinta Shucuubta Asaliga, Kala duwanaanshaha, Hal-abuurka iyo Kobaca Dhaqaalaha.

Mar wax laga weydiiyey waxay ku soo kordhinayso Dhallinyarada ku nool Canada, waxay Habboon Cali sheegtay inay u istaagi doonto sidii ay u heli laahaayeen dhiirigelin iyo inay Siyaasadda ka soo muuqdaan.

Soomaalida xilalka sare ka qabanaya dalka Canada ayaa mudooyinkan sii kordhayey, waxaana ka mid ah Soomaalida jagooyinka sare ka haya dalkaas wasiirka socdaalka iyo xildhibaan dhowaan ku guuleystay inuu ka mid noqdo golaha degaanka magaalada Ontario.

Shabeelle 6da Luulyo 2018 Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyay in wabiga Shabeelle uu fatahaad ku sameeyay degmada Walaweyn iyo degaano kale oo ka tirsan gobolka Sh/Hoose.

Shirkii golaha wasiirada Maamulka koofur galbeed Soomaaliya ayaa si weyn loogu dooday sida looga hortagi karo fatahaada wabiga Shabeelle uu ku sameynayo degaano ka tirsan gobolka Sh/Hoose.

Shirka ayaa lagu go’aamiyay in si wadajir ah loogu hortago sidoo kalena la sameeyo qorshayaasha la xiriira howlahaasi.

Xasan Cabdi oo ah Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in wasiirka beeraha uu golaha wasiirada la wadaagay xaalada fatahaada iyo howlaha wasaarada beeraha.

Waxa uu sidoo kale sheegay in lagu balamay in shacabka gobolka Sh/Hoose la caawiyo gaar ahaan kuwa uu saameeyay fatahaada.

Fatahaada wabiga Shabeelle ayaa dhawaan saameyn ku yeeshay dadka ku nool gobolka Hiiraan, waxaana fatahaada uu sameeyay ka dhashay barakac iyo in hanti badan ay ku waxyeeloowda

Jubbaland State 6da Luulyo 2018 Maamulka Jubbaland ayaa dowladda Soomaaliya u qoray Warqad Cabasho ah oo ku aadan dhibaatooyin Amniga iyo Siyaasadda halis ku ah oo ka socda degaanada maamulka Jubbaland,islamarkaana ay waddaan xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

Qodobada kasoo baxay Jubbaland ayaa waxaa ka mid ahaa:

1- In la baabi’yay heykalkii xiriirka iyo Taliska ee ka dhaxeeyay guutada 43-aad iyo hogaanka Ciidamada xoogga dalka ee SNA,

2 – Magacaabista Taliye cusub degmada Ceel-Waaq, halkaasi oo aan horey u lahayn saldhig Military, iyadoo aan ka warheyn islamarkaana lagala tashan taliska guutada 43-aad ee ka howlgala Jubbaland,

3 – In hub iyo saanad Ciidan ay Xildhibaanno katirsan labada golle ee Baarlamaanka Federaalka [Gollaha shacabka iyo Aqalka Sare] ay geeyeen degmada Ceel-Waaq, kaasi oo ku dhacay gacanta Al-Shabaab,

4 – In Taliska SNA oo jahwareer ka abuuray deegaanka Sanguuni, halkaasi oo ciidamada difaaca hore uga jiray la siiyay amaro is-khilaafsan oo sababay inay guul-dareysteen, islamarkaana Al-Shabaab la wareegto saldhigooda, oo ka qaadatey hub iyo agabkii ay ku howlgalayeen,

5 – In Taliska SNA uu ka abuuray deegaanada Jubbaland xaalad kalsooni darro, oo keeni karta colaad u dhaxeysa beelaha wada deggan, taasoo dib usoo nooleyn karta dagaalkii Sokeeye,

6 – Tallaabooyinka Taliska SNA ayaa hakad gelisay, xadiday sidoo kalena siyaasadeysay saanadii Ciidamada ku sugan Jubbaland xilli ay 33 goobood ay kala dagaalamayaan cadowga Al-Shabaab,

7 – Gollaha amaanka Jubbaland ayaa walaac ka muujiyay soo-jeedinta gudiga amniga iyo nabada Ururka Midowga Africa ee ah in la baabi’iyo qeybta 6aad ee howlgalka AMISOM, oo baahi ka badan markiii la abuuray hadda loo qabo.

Muqdisho 6da Luulyo 2018 Guddoomiyaha Barlmaanka Ahna Ku Simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Amb David Concar.

Dhinaca kale Labada masuul ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka gaar ahaan dhinacyada amniga, garsoorka, dib u eegista dastuurka iyo nidaamka doorasho ee Soomaaliya qaadatay ee ah hal qof iyo hal cod.

Inkastoo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dowladood iyo dardar gelinta howlaha muhiimka ah ee horyaalla golaha shacabka.

Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa Amb David Concar ugu warbixiyay guulaha uu gaaray golaha shacabka mudada uu xilka hayo iyo howlaha horyaalla.

“ Waxa maanta la kulmay Amb David Concar oo ah safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, waxa uu ii balan qaaday in dowladda Ingiriiska ay diyaar u tahay in golaha shacabka ay wax badan ka taageerto, kulankeena guul ayuu ku soo dhamaaday “ ayuu yiri guddoomiye Maxamed Mursal.

Sidoo kale Safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Amb David Concar ayaa guddoomiyaha golaha shacabka kaga mahad celiyay soo dhaweynta uu u sameeyay.

Halka Safiirka uu balan qaaday in qodobada ay ka wada hadleen la dhaqan galin doono oo wax badan ay ka taageeri doonaan dowladda Soomaaliya gaar ahaan golaha shacabka.

Sikastaba ha ahaate Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamada uu guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal uu ku dardar gelinayo howlaha golaha shacabka sidoo kalena lagu xoojinayo xiriirka dibadda ee golaha.

Muqdisho 6da Luulyo 2018 Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ugu baaqay dhalinyarada ku nool Caasimadda in ay ka qeyb qaataan nabadda iyo horumarka, maadaama ay yihiin mustaqbalkii dalka.

Eng. Yarisow ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu ahmiyad gaar ah siiyay sidii dhalinyarada shaqo loogu abuuri lahaa, si ay horumarka dalkooda uga qeyb-qaataan, iyadoo la abuuray jawi xasiloon oo bulshadu ku horumari karto, isla markaana fursado u siinaya dhalinyarada inay wax bartaan oo ay ciyaaraha kaalin mug leh ka qaataan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir isagoo furayay tartan kubadda cagta ah oo dhalinyarada degmada Heliwaa lagu dhiirigelinayay ayuu sheegay in kulamada noocaan ah ee lagu abaabulo dhallinyarada ay horumarinayaan nabadda iyo isdhexgal, iyadoo sidan oo kale lagu qabtay inta badan degmooyinka Muqdisho.

Waxuna uga mahadceliyey maamulka degmada Heliwaa abaabulka tartanka.
“Waxaan ugu baaqayaa dhalinyarada ku nool Caasimadda in horumarka dalkooda ay u istaagaan, mar walba in aan ku dhiirigelino dhalinyarada nabadda iyo isdhexgalka waxaa ay ka mid tahay dadaalkeenna joogtada ah ee aan ku dooneyno in aan ku horumarina kuna xoojinno xiriirka aan la leennahay bulshadeena, si aan u xaqiijinno horumarkooda. Cayaarta kubadda cagtuna waxaa suurta gelisay nabadda aan haysano, taasoo u sahashay dadweynaha in ay ka qayb-galaan arrimaha bulshada,”

Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa sidoo kale kormeeray xarunta degmada Heliwaa, isagoo ku ammaanay maamulka iyo shacabka wada shaqeynta iyo iskaashiga ay leeyihiin oo ugu baaqay in ay sii xoojinayaan loona istaago dib-u-dhiska degmada.

Hobyo 6da Luulyo 2018 Qaar ka mid ah dadkii Shacabka ahaa ee ka barakacay dagaalka degaanka Caad ee gobolka Mudug ayaa gaaray degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Maamulka degmada Hobyo ayaa Risaala u sheegay in ku dhawaad 100 ruux in saacaddihii lasoo dhaafay ay gaareen degmada Hobyo, kuwaa soo kasoo cararay degaanka Caad.

Dagaalka ka socda degaanka Caad ayaa xoogeystay , waxaana dadka degaanka iyo Al-Shabaab ay wali ku dagaallamayaan degaankaasi.

Saacaddihii lasoo dhaafay ayaa waxaa dhacay dagaallo culus,iyadoona dadka degaanka ay ku guuleysteen in ay Shabaab ka qabsadaan degaanadii lagu dagaallamay.

Maamulka Galmudug ayaa ku baaqay in gurmad deg deg ah lala gaaro dadka kas

Muqdisho 6da Luulyo 2018 Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta tababar usoo xiray Guutada 14-ka October ee ciidanka xoogga dalka ee saldhiggoodu yahay xerada ciidanka General Goordan ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in dal kasta oo burbur kasoo kabsanaya ay ciidankiisu yihiin kuwa bad-baadiya naftoodana u hura.

Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehliyeen wasiirrada difaaca iyo amniga, abaanduulaha Ciidanka iyo saraakiil kale oo ka tirsan CXD ayaa kahor inta uusan ciidanka tababarka usoo xirin waxa uu kormeer ku sameeyay xarunta ciidanka isla markaana la qadeeyay ciidanka, isagoona xog warastay qaar kamid ah askarta si uu wax badan uga ogaado noloshooda, tababarkii ay soo qaateen iyo sida ay heeganka ugu yihiin difaaca dalka iyo la dagaalanka Argagixisada.

“Dal buburay waxaa dhisi kara ciidan, nabad la waayay waxaa soo celi kara ciidan, dawlad taag daran waa quwad iyo xoog u yeeli kara ciidan. Cawdawga dibadda iyo gudaha laguma difaaci karo qabiil ee waxaa lagu difaaci karaa ciidan qaran oo idinka oo kale ah. Maanta dalkeenna waxaa bad-baadin kara ciidan aan daacad u aheyn qabiil, qolo iyo dan gaar ah”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Ciidanka u ballan qaaday in xaquuqda ay qaranka ku leeyihiin u heli doonaan si joogta ah si lamid ah shaqaalaha iyo Hawl-wadeennada kale ee dawladda.

Ciidankaan oo loo diyaariyay in ay kooxaha argagaxisada ka saaraan deegaannada ay uga suganyihiin dalka ayaa u badan dhalinyaro aqoonyahanno ah, waxa ayna ciidanka kusoo biireen kadib musiibadii 14-kii Obtober ee sannadkii hore si ay uga qeyb qaataan horumarinta amniga iyo difaaca dalka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ugu danbeyn kulan gaar ah la qaatay saraakiisha Ciidanka xoogga dalka iyo tababarayaasha oo uu kala hadlay arrimo ay kamid yihiin sare u qaadidda tababarrada, difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Addis Abab 6da Luulyo 2018 Baarlamaanka Itoobiya ayaa fadhi deg-deg ah oo goor dhowayd yeeshay ku ansixiyay qaraar ay Golaha wasiiradu u soo gudbiyeen, kaasoo ahaa in liiska argagixisada laga saaro ururada hubeysan ee mucaaradka ku ahaa dalkaas.

Xubnaha Baarlamaanka ayaa si aqlabiyad leh u meel mariyay qaraarka liiska Argagixisada looga saaro Ururada Ginbot 7, OLF iyo ONLF.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay, markii maalin ka hor Golaha Wasiirada Itoobiya isku raaceen in liiska argagixisada laga saaro ururadaas, taasoo qeyb ka ah qorshaha is bedelka uu qaaday Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.

Boqolaal maxaabiis ah oo u xidhnaa siyaasadda ayaa dhowaan laga sii daayay xabsiyada Itoobiya, kuwaasoo u badnaa siyaasiyiinta mucaaradka.

Itoobiya ayaa horay u aqoonsatay ururada Ginbot 7, OLF iyo ONLF inay yihiin ururo argagixiso ah oo khatar ku ah Ammaanka Qaranka Itoobiya.

Kummanaan Maxabiis ah oo siyaasiyiin ay ku jiraan ayaa xabsiyada dalka Itoobiya uu ka sii daayay Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed oo talada dalkaasi haya wax yar, wuxaana sameeyay isbedel- weyn oo shacabkiisu ayaad u soo dhaweeyen.

Ceel Afweyn 6da Luulyo 2018 Waxaa dagaal xoogan ka dhex qarxay mar kale beelaha habar yoonis iyo habar jeclo oo in mudo ahba Dagaalo soo noqnoqday ku dhexmaraayen deegaano kamid ah gobolka sanaag.

Deegaanka Dararweyne ayaa maanta waxaa ka dhacay dagaal sababay khasaaraha Hal dhimasho ah iyo dhaawac hal dhaawac ah oo isku dhinac ka soo jeeda gaar ahaan beesha Habar Jeclo.

Sidoo kale deegaankaasi ayaa haatan laga dareemaya xaalad kacsanaan ah xili uu ku soo jeeday deegaankaasi hogaamiyaha maamulka Jeegaanta Muuse Biixi cabdi.

https://www.youtube.com/watch?v=Gzl8KJSCy7k

WARARKA MAANTA 4ta Luulyo 2018 Sir Culus!

Su’aallaha Maanta: Maxay maanta Barlamaanka Ethiopia ugu dhawaaqeen inuu Ururka #ONLF ahayn urur argagixiso? Maxuuse maanta shacabka Soomaaliyeed ku dhihi doonaa khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sare”, xukuummaddiisa iyo daba-dhilif Eng. Cabdiraxmaan Yariisoow oo si been-abuur ah idaacadaha dalka ka siidaayey inuu ururka ONLF yahay argagixiso isla-markaasna Taliye Qalbi-Dhagax ahaa in la shaqaysta Ururka Shabaab ee argagixisada ah sidaas darteedna yahay argagixiso? Iscasilan khaa’imiin waa weyn oo aysan Ummadda Soomaaliyeed mar dembe waxba ku aaminayn xitaa salaanta! Maxuuse Khaa’inul waddan Eng/ Cabdiraxmaan Cismaan Yariisoow u diidan Iyo khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sare” u diidan yihiin inay shacabka wada deggan gobalka Banaadir samaystaan Maamul Gobaleed ka madaxbannaan Dowladda Wada Dadban ee ay ku shaqaysanayaan dad wada daba-dhilif iyo khaa;inul waddan wada ah oo aan rabi inay Ummadda Soomaaliyeed si xaq iyo sinaan ah u wada qaybsato wixii Illaahay ku wada mannaystay! Yaa maanta runta qarin kara? Yaa noqon doona Madaxweyna soo socda ee Soomaaliya? Yeey dooran doonaan Ummadda Soomaaliyeed? Goorma ayuu iscasili doonaa khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sare”?

Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha Cusub? Maxuu qaban karaa Agaasimaha Madaxtooyadda Mr. Fahad Yaasiin oo maanta ogaaday khiyaanooyinkiisii iyo daba-dhilifnimo inaysan waxba ka qarin karin Ummadda Soomaaliyeed? Yaa noqon doona Agaasimaha soo socda ee Madaxtooyadda Soomaaliya? Ma waxaa iscali doona Madaxweyne Farmaajo?

Yaa fashilmay? Yaa madax ka noqon doona dalka Soomaaliya?

https://www.youtube.com/watch?v=SCuLsG86U6

Muqdisho 4ta Luulyo 2018Godobtii Bakhti jaajuus daba-dhilif Eng. Cabdiraxmaan Cismaan Yariisoow “ONLF iyo Qalbidhagax waa argagixiso”

Khaa’inka khaa’inul waddanka ah uma noqon karo Ummadda Soomaaliyeed Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqudisho marka maanta ha ogaadaan dadka ku tilmaamay Jabhadda Dib-u xoraynta dhulka Soomaalida laga haysto inay yihiin argagixiso asagoo aan wax aqoon iyo waayo aragnimo u lahayn halganka soo jireenka ee lagu wada xoraynaayo dhulka ay Soomaalida degto ee ay dowladdihii gummaystayaasha ahaa u kala qayb qaybiyeen.

Golihii Wasiiradda ama xukuummadda ee uu hoggaaminaayo khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre kuwaasoo Ethiopia u dhiibay Taliye ONFL Cabdikariim Muuse Qalbi-Dhagax.

https://www.youtube.com/watch?v=SCuLsG86U6o

Muqdisho 4ta Luulyo 2018 Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa xalay waxaa ka dhacay kulan looga hadlayay dardargelinta hawlgalada lagu xasilinayo amniga caasimadda Magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiro ka tirsan xukuumadda oo uu ugu horeeyo Wasiirka arrimaha gudaha, Xildhibaano, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Nabad Sugidda Soomaaliya, Saraakiil ciidan iyo xubno kale.

Inta uu kulanka socday ayaa waxaa aad looga hadlay sida ugu sahlan ee loo dardargelin karo sugidda amniga magaalada Muqdisho, iyada oo ay iskaashanayaan ciidamada amniga iyo shacabka.

Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo saraakiisha ammaanka ayaa bixiyay warbixino ku aadan sida lagu hormarin karo qorshayaasha lagu sugi karo ammaanka Magaalada Muqdisho.

“Shirka oo socday mudo saacado ah ayaa waxaa looga dooday sidii sida ugu dhaqsiyaha baan loogu bilaabi lahaa wajiga labaad ee hawlaha xasilinta caasimadda, maamulka gobolka wuxuu ka qaadanayaa wixii looga baahnaa, waxaan diyaar u nahay in la arko magaalada oo nabad ah, waxaan rajeyneynaa in wajiga labaad ee xasilinta marka uu bilowdo in magaalada si weyn looga dareei doono.” Ayuu yiri Xoghayaha guud ee gobolka Banaadir.

Shirkan ka dhacay Aqalka Dowladdda Hoose ee Xamar ayaa qeyb ka ah kulamo maalmihii dambe lagu qabanayay magaaladda Muqdisho, waxaana looga hadlayay xoojinta amniga caasimadda.

Muqdisho 4ta Luulyo 2018Taliska ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa wada qorshe ay ku sameenayaan Ciidamo dhar cad ah oo katirsan Dambi baarista booliiska CID, kuwaa oo loogu tala galay in ay ka hortagaan laaluushka iyo Musuq maasuqa ay ku kacaan ciidanka .

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa sheegay in ay ku howlan yihiin sameynta ciidan dhar cad ah oo laga soo xulayo CID kuwaa oo ka hor tagaya in shacabka Laaluush ka qaadaan.

Ciidankan ayaana si gaar ah uga howl gali doona magaalada Muqdisho marka la sameeyo, waxa ayna ciidankan si joogta ah ula soconayaan ciidanka dowlada ee dadka shacabka ah laaluushka ka qaada.

“Waxeynu abuureynaa koox ka tirsan C.I.D –da oo ka hortageysa laaluushka , wax loo dul qaadanayo ma jirto, haddaba waan idin sheegayaa, aad uga taxadara, kuwa idinka hooseeyana u sheega, waxaa nalaga rabaa Ciidanka Booliska in aan raadino Sumcad iyo karaamo, waa in Jeebka Muwaadinka uu ammaan inaga helaa” ayuu yiri Gen. Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko.

Ciidanka dowlada ayaa lagu eedeeyaa in dadka shacabka ah mararka qaar ka qaataan lacago laaluush ah , waxa ayna arintan hoos u dhigtay sumcada ciidanka Dowlada Soomaaliya.

Nairobi 4ta Luulyo 2018 Magalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa uu halkaasi gaaray Cabdi Kariin Muuse Qalbi-Dhagax oo maalma kahor laga siidaayey Xabsi ku yaalla Itoobiya,isla markaana ka mid ah Jabhada ONLF.

Qalbi-Dhagax oo ka ambabaxay Magalada Adis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya,ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha JKIA ee Magalada Nairobi kusoo dhaweeyey xildhibaano,Sanotero,Siyaasiga faarax macalin iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Dadka soo dhaweeyey waxaa ka mid ah xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya.

“Waxaa ilaah mahadiis ah inaan walaalkeen halgamaa C/karim Sh. Muuse Qalbi Dhagax aan ka mid ahaa dadkii Soomaaliyeed ee caawa ku soo dhoweeyey garoonka JKIA ee Nairobi..

C/karim waa nin Qalbi wanaagsan, Soomaali xalaal ah, ay ka muuqata duntiisa wanaagsan iyo abaalka uu u hayo Soomaali oo dhan.

Cabdi Kariin Muuse Qalbi-Dhagax oo dowladda Soomaaliya ay horay ugu wareejisay dowladda Itoobiya,basle lagu soo daayey cafis uu u fidiyey Ra’iisul Wasaaraha dalkaas ayaa la midoobi doona qoyskiisa oo ku sugan dalka Kenya,waxana la filayaa in maalmaha soo socda munaasabado soo dhaweyn ah Nairobi loogu sameeyo

Gaalkacyo 4ta Luulyo 2018 Hawlgal qorsheysan oo ciidamada ammaanka maamulka Puntland ee magaalada Gaalkacyo ay ka sameeyeen waqooyiga magaaladaasi ayaa waxaa lagu soo qab qabtay tiro dhalinyaro ah oo maalmahanba lagu daba jiray.

Dhalinyaradan ay gacanta ku dhigeen ciidamada ammaanka aya waxaa lagu eedeynayey inay ku howlanaayeen iibinta waxyaabaha maanka dooriya iyo sidoo kale inay sameynayeen falal amniga wax u dhimaya.

Hawlgalkan dhalinyarada lagu soo qabtay ayaa waxa ay ahaayeen Todobo, oo laba ka mid ah iibinayay maandooriyaha xashiiska, sida ay Shabakada Dayniile ee Muqdisho ay u sheegeen saraakiil qaabilsan ammaanka.

Duqa magaalada Gaalkacyo ee Puntland Maxamuud Yaasiin Tumey oo warbaahinta uga warbixiyey howlgalladan ayaa waxa uu tilmaamay inay soo qabteen dhallinyaro dhib maleegayey.

Guddoomiye Tumey ayaa sidan yiri “Xashiiskan iyo raggan waxaan ka soo qabannay guri ku yaalla magaalada Gaalkacyo, waxaa horfadhiyey ciyaal 10 neeyo ah oo cunto loogu karinayey waxaa gudahana lagu gadayey xashiiska, sidoo kale waxaan soo qabannay Shan nin oo dadka Moobilada ka dhaci jiray, kuna qarin jiray Labo mehradood oo ay magaalada ku leeyihiin”.

Waxaa muuqata in ay kordheen wada shaqeynta ay muujinayaan ciidamada Booliska ee magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan dhinaca suggidda ammaanka, maadaama maalmahan ay kordhiyeen hawlgalada lagu xasilinayo magaalada Gaalkacyo.

Cadaado 4ta Luulyo 2018 Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa is rasaaseyn xalay fiidkii ka dhacday agagaarka saldhigga Booliska magaalada Cadaado oo ku dhaw xarunta Baarlamaanka Galmudug.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska magaalada Cadaado ayaa shabakada waxa ay u sheegeen Israsaaseynta inay u dhaxeysay laba askari oo ka tirsan ciidanka Booliska Galmudug.

Saraakiisha ayaa waxa ay sheegeen labada askari inay isku maandhaafeen lacago, taasi oo keentay in israsaaseyn ku dhaw mudo 10 daqiiqo ay halkaasi ka dhacdo, ma aysan sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay israsaaseyntan.

Waxay kaloo tilmaameen laamaha ammaanka isrsaaseyntan inay qalqal gelisay amniga magaalada Cadaado oo markii horeba laga baqdin qabay xaalada ka taagan deegaanada Caad iyo Camaara iyo Shabaab oo gaari shacab ah ku rasaaseeyay deegaan ku dhaw Camaara.

Wararka aan saakay ka heleyno deegaanada Caad iyo Camaara oo shalay ay ku dagaalameen Shacab iyo Shabaab ayaa waxa ay sheegayaan inay degan tahay xaalada deeganadaasi, dagaalka ayaa ka dambeeyayb kadib markii Shabaab dadka ay ku qasbeen inay bixiyaan xoolo nool oo looga qaadayay qaab sakawaad ah, dadkuna ay ka biyo diideen.

Ethipia 4ta Luulyo 2018 Dowladda Itoobiya ayaa shaqada ka ceyrisay shanta taliye ee ugu sarrayso xabsiyada dalkaasi.

Xeer ilaaliyaha guud ee Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in Ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu shantaasi sarkaal uu ku baddalay saraakiil cusub oo hoggaamin doono maamulka xabsiyada Itoobiya.

Jeneraal General Berhanu Tsegaye wuxuu sheegay in saraakiisha shaqada laga tiray ay gabeen shaqadooda.

Xeer ilaaliyaha guud ee Itoobiya wuxuu sheegay in maxaabiista aysan helin daryeel islamarkaasna xuquuqda aadanaha aan laga qaddarin xabsiyada Itoobiya.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah isbedelada uu dalkaas ka wado Ra’isul wasaare Abiy Axmed kuwaasoo lagu sameynayey siyaasadaaha dowlada Itoobiya

 

Image may contain: 1 personImage may contain: text

Hambalyo #Shacabka #Soomaaliyeed Sannad-guuradii 58aad ee maalintii madaxbannaanida #Soomaaliya.
#Happy 58th #Independence #Day to #Somalis in #Somalia and around the world on #July 1, 2018.

Somaaliya waxay u baahan tahay madax daacad iyo cadaalad ugu shaqaysa Ummadda Soomaaliyeed gudaha dalka Iyo dibaddaba.

Soomaaliya iyo Ummadda Soomaaliyeed uma baahna madax daba-dhilif u ah dowladdaha deriska iyo kuwa shisheeye ah!

Illaahayoow dadka, diinta Islaamka iyo dalkaba nooga badbaadi khaa’inul waddaniyiinta kuwa la fahmay iyo kuwa Ummadda Soomaaliyeed ka daahsoon hadda.

Amiin!

Waad Mahadsan Tihiin,

Dr. Badal Kaariye
Madaxweynaha
Machadka Barashadda Arrimaha Amniga Soomaaliyeed (MBAAS)

WARARKA MAANTA 30ka Juun 2018 Sir Culus!

Su’aallaha Maanta: Maxuu qaban karaa khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” oo ay beesha caalamka u diiday inay wax dhaqaallo ah gacanta ka galiso xukuummadda fashilantay ee uu hoggaaminaayo khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre? Maxaase ka jiri in lacagta laga jari doono hay’addaha NGO been beenta mashaariicda ugu cunna dalka Soomaaliya? Maxay dalka Ethiopia u soo daysay Taliye Cabdikariim Shiikh Muuse “Qalbi-Dhagah” oo uu si sharci-darro iyo khaa’inul waddaninimo ugu dhiibay dalka Ethiopia khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre? Yaa maanta been loo sheegi karaa? Maxay tahay sababta nin Argagixisada Al-Shabaab la shaqaysta uga yahay Agaasimaha Madaxtooyadda Fahad Yaasiin? Maxay tahay ninkii Al-Shabaab u ahaa Taliyaha Sirdoonka Iyo Qaraxtadda Maxamed Aadan Koofi inuu hadda yahay Taliyaha Laanta Socdaalka? Yaa taliye sare oo ay hay’adda Nabadsugidda ka dhigay Taliyihii Sirdoonka Iyo Qaraxyada Sakariya Xirse? Yaa la khaldi karaa? Ma noo sheegi kartaan yeey yihiin argagixisaada la raadinaayo marka kuwii madax sar-sare ahaa laga dhigay madax sar-sare oo dowladda Soomaaliya ka tirsan? Ma khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre Iyo xiriirka ka dhexeeya Ururka Argagixisada Al-Shabaab ayaa waxaa waajib ah inuu shaqaalo u wada qoro? Maxayse Soomaaliya shidaalkeeda loo diiday in la soo saaro soo ma ahan musuqmaasuqa baahsan ee Maxuu qaban karaa khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” ? Maxuuse sugaa Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo “Been-Hawaas” oo hadda xaqiiqsaday inay dhuntay/luntay kalsoonidii ay Ummadda Soomaaliyeed u haayeen Dowladda Wada Dadban ee uu hoggaaminaayo taasoo si fiican sharaftii iyo karaamadii uu uga dilay Maxuu qaban karaa khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” ? Maxuu qaban karaa Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Eng. Cabdiraxmaan Yariisoo oo Jabhadda ONLF ku tilmaamay argagixiso asagoo si toos ah iyo si dadbanba ula shaqeeya Ururka Argagixisada Al-Shabaab iyo hay’addo shisheeye ah oo basaasiin ah kuwaasoo weli jah-wareerinaaya Ummadda Soomaaliyeed? Meeqo heshiis qarsoodi oo khaa’inul waddaninimo ku dheehan tahay ayuu sii galay khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” ?

Muqdisho 30ka Juun 2018 shil gaari oo saakay ka dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Shilkan ayaa yimid kadib markii uu fariin goostay gaari Gaarib ah oo marayay Suuqa xaafadda Kaawa Godey ee degmadaasi.

Waxaana la sheegay in ay ku dhaawacantay Gabar ka mid ah dadka deegaanka, taas oo dhaawaceeda loola cararay mid ka mid ah Isbitaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa gaarigaasi uu burburiyay goobo ganacsi oo ku yaallay Suuqaasi, sida ay xaqiijiiyeen Ilo deegaanka ah.

Wararka ayaa sidoo kale ayaa intaasi ku daraya in gaarigaasi uu watay sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiayy, sida ay wax u dhaceen.

Muqdisho 30ka Juun 2018 Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Xukuumada Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in xilligaan uu jiro isbedel iyo horumarin lagu sameeynayo Cadaalada dalka si qof walba uu u helo cadaalad,iyada oo horay Shacabka Soomaaliyeed ay keenayeen cabasho dhinaca garsoorka ah.

Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in ay muhiim tahay hubinta kiisaska shacabka ee ka soo bilaabanaya xarunta Dambi Baarista ee CID-da
Waxa uu intaas ku sii daray Wasiir Xasan Xuseen Xaaji in ay tahay in ahmiyad la siiyo cadaalad u sameynta shacabka waxa uu carabka ku dhuftay marka galka dacwada loo gudbiyo xeer ilaalinta ay u eegaan dhankooda in dacwada tahay mid sharci ah.

Wasiirka Wasaarada Cadaalada ayaa hadalkiisa sal uga dhigay dastuurka dalka kaas oo qeexaya dhowrista xuquuqda Muwaadinka iyo Cadaalad u falida muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in ay Howlaha garsoorka dalka iyo Cadaalada ku sameyso isbadal weyn sida uu kol hore sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Muqdisho 30ka Juun 2018 deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in rag hubeysan ayaa Wiil Dhalinyaro ahaa ku dileyn gudaha deegaankaas.

Wiilka dhalinyarada ah ee la dilay oo lagu magacaabi jiray Cabdirashiid Daahir Xasan,ayaa xilliga la dilayey waxa uu ka soo baxay goob Ganacsi oo ku taalla halka loo yaqaano Quraca Dhimbil,waxana dadka deegaanka ay sheegeen in kooxdii dishay ay ka qaadatay Gaari nooca raaxada ah ee uu watay.

Dadkii ku sugna goobta lagu dilay Cabdi Rashiid ayaa ku soo xoomay maadaama laga yaqaanay deegaanka,isla markaana uu ka mid ahaa dadka ku nool deegaanka Ceelasha Biya,waxana mudo kadib halkaasi tegay oo meydkiisa ka soo qaaday eheladiisa.

Majirto cid ilaa iyo hadda sidhab ah u og waxa loo dilay iyo cida ka dambeysa dilkiisa,waxana dadka deegaanka ay sheegeen in uusan ku lug laheyn wax Siyaasad ah,isla markaana uu ahaa Arday.

Dhacdooyinka la xiriira dilalka qorsheysan ayaa si caadi ah waxa ay uga dhacaan Magalada Muqdisho iyo duleedkeeda waxaana unta badan loo geystaa askarta ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya balse dilka xalay ka dhacay Ceelasha uu yahay mid ka duwan kaas maadama Shaqsiga la dilay uu ahaa arday.

Muqdisho 30ka Juun 2018 Warar aan Helnah  ayaa sheegaya inuu Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo ka qeyb geli doonin Shirka caadiga ee Hoggaamiyayaasha dalalka Afrika oo lagu wado inuu ka furmo caasimadda dalka Mauritania ee Nawakshoot (Nouakchott).

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegeen inuu Madaxweyne Farmaajo ka baaqday Shirweynahaasi sababo la xiriira Munaasabadda Is-raaca Goballadda Waqooyi iyo Koonfureed iyo Maalinta Xorriyadda Somalia ee 1-da Luulyo oo berrito loo dabaal degi doono.

Shir Madaxeedka Hoggaamiyayaasha Afrika ee maanta ka furmayo caasimadda dalka Mauratania ee Nawakshotwaxa uu socon doonaa ilaa maalinta Isniinta ee soo socota oo ay taariikhdu tahay 2-da bisha Luulyo.

Shirka Madaxeedka Hoggaamiyayaasha Afrika maanta uga furmi doona caasimadda dalak Mauratania waxay kaga wada hadli doonaan Heshiiskii Nabadda ee ay Madaxweynaha dalaka South Sudan, Silva Kiir iyo Hoggaamiyaha Mucaaradka, Riek Machar isbuucii hore ku kala saxiixdeen Caasimadda dalka Sudan ee Khartoum.

Madaxweynaha dalka Ruwanda, ahna Guddoomiyaha sannadkan ee Ururka Midowga Afrika, Paul Kigambe waxa uu shalay gaaray caasimadda dalka Mauratania ee Nawakshot, isagoo Kulan hordhac ah la qaatay Madaxweynaha dalkaasi, Maxamed Walad C/casiis.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah Madaxda dalalka Afrika ayaa la sheegay inaysan ka qeyb geli doonin Shirkaasi, iyadoo Madaxweynaha dalka Kenye, Uhuru Kenyatta la sheegay inuu ka baaqday Shirkaasi,.

Afhayeenka Madaxtooyadda Kenya, Manoah Esipisu ayaa sheegay inay Madaxweyne Uhuru Kenyatta u baaday sbaabo la xiriira xaallado degdeg ah, Wxaana Shirkaasi Kenya u matali doonta wafdi ay hoggaaminayso Wasiirka Arrimaha Dibedda dalkaasi, Monica Juma.

Paul Kigambe waxa la rajeynayaa inuu shir-guddoomiyo Shirka caadiga ee 31-aad ee Madaxad Afrika u furmi doona.
Warar laga helayo Xoghaynta Shirkaasi ayaa waxay sheegayaan inuu Kulankaasi si rasmi ah u furmi doono berrito oo ay taariikhdu tahay 1-da Luulyo, wuxuuna socon doonaa labo maalmood.

Muqdisho 30ka Juun 2018 Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka dagan dab ayaa xalay ka kacay Isbitaalka Dayniile ee Magaalada Muqdisho
Dabka ayaa ka kacay qeybta keydka daawadda, waxaana la sheegay in uu jiro Khasaare aan badneyn oo ka dhashay dabkaasi.

Gaadiidka Gurmadka degdeg ah ayaa ku guuleystay daminta dabkaasi oo la sheegay in uu kusii faafaayay qeybo ka mid ah Isbitaalka Dayniile.

Qaar ka mid ah dhaqaatiirka Isbitaalka ayaa xaqiijiyay in uu ka dhashay dabkaasi Koronto.

Xaaladda Isbitaalka ayaa caadi kusoo laabatay, waxaana hadda ka socdo shaqooyinkii uu bulshadda uu u qaban jiray.

Maamulka Koonfur Galbeed 30ka Juun 2018 Maamulka Gobolka Sh/Hoose ayaa faah faahin ka bixiyay Buundo loo maro degmada Qoryooley oo ay qarxiyeen Al-Shabaab.

Buundadan ayaa isku xirta Qoryooley, degaanka Danaw illaa Shalanbood ee gobolka Sh/Hoose.

Mas’uuliyiinta Gobolka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay miinooyin ku qarxiyeen Buundada, kaddibna ay burburtay.

C/fitaax Xaaji Cabdulle oo ah guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyada ee degmada qoryooleey oo wareysi siiyay Shabakada Dayniile ee Muqdisho ayaa sheegay in Al-Shabaab ay doonayaan inay go’doomiyaan degmada Qoryooley.

Waxa uu sheegay in halkaasi ay ku baxeen ciidamo ka tirsan dowladda, dagaalna ay la galayaan Al-Shabaabka jaray buundada.

Buundadan ayaa waxa ay aheyd Buundo ay isticmaalaan shacabka gobolka ku safra gaar ahaan Beeraleyda, sidaasi darteeda maamulka ayaa sheegay iyaga oo ka duulaya in la go’doomiyo degmada Qoryooley inay si deg deg ah u dhisi doonaan Buundadaasi.

Al-Shabaab ayaa horay u qarxiyay buundooyin dhowr ah oo ku yaalla Gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii ay ku xireen miinooyin, waxaana buundooyinkaasi ay ahaayeen kuwo muhiim u ah isku socodka degmooyinka qaar ee gobolka Sh/Hoose,

Muqdisho 30ka Juun 2018 Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay waddo qorshe ku aadan in xarumo Caafimaad laga furo meelaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay kaga sugan yihiin maamul goboleedyadda.

Agaasimaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Prof. Sokor Jaamac ayaa sheegay in Wasaaradda Difaaca ay dooneyso in la xoojiyo adeegyadda Caafimaad ee ay helaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Wasaaraddo ay heysato dhaqaatiir ku filan,islamarkaana dhawaan loo diri doono Saldhigyadda iyo Xarumaha Ciidamada ee ku yaalla Maamul goboleedyadda.

Sokor ayaa sidoo kale xusay in ciidamada xoogga dalka ee kusoo dhaawacma dagaalka lagu jiro Al-Shabaab in ay u baahan yihiin in ay helaan adeegyo Caafimaad oo deg deg ah

Maali 30ka Juun 2018 Ugu yaraan 6 askari ayaa lagu dilay qarax lala beegsaday saldhigga ciidammada la dagaalanka maleeshiyaadka islaamiyiinta ee ku yaalla magaalada Sevare ee dalka Mali, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters uu u sheegay duqa magaaladaasi.

Militariga Mali ayaa soo bandhigay sawirrada goobta qaraxa uu ka dhacay.

Buuhoodle 30ka Juun 2018 Waxaa caawa Magaalada Buuhoodle caasimada Gobolka Cayn ku qabtay shir balaadhan Masuuliyiin iyo siyaasiyiin iyo Isimada SSC.

Waftigii Muqdisho Ka Yimid ee Kamid ahaa Madaxwaynihii Hore ee Khaatumo Mohamed Yusuf Jamac iyo Aqoonyahay C/fataax Maxamed Cali iyo Waxgaradka Buuhoodle oo Caawa Warbaahinta La Hadlay Kuna Dhawaaqay inay Ka Qayb Galayaan Xoraynta Laascaanood iyo Ganacna ay siinayaa Puntland.

Dhawaaqa caawa buuhoodle ka soo yeedhay masuliyiintan Khaatumo ee uu kamid yahay Indho sheel ayaa imaanaya xili shacabka SSC ay su allo iska weydiinaayen Mowqifka Madaxda Khaatumo ee Dagaalka Sool.

Puntland 30ka Juun 2018 waxgaradka Puntland qaar kamid ah ayaa amaan iyo bogaadin u jeediyey Madaxweynaha Punyland & kuxigeenkiisa oo ay sheegeen in ay go`aan dhiiran ka qaateen arrimaha ka socda gobalka Sool, oo ay sirasmi ah u sheegeen in ay difaacayaan dalka, soona xirayaan Xaduudaha waajibkad ah ee Dastuuriga ah.

ONLF 30ka Juun 2018 Jabhadda ONLF ayaa dhaliishay go’aanka ay dawladda Ethiopia shidaalka uga soo saartay Deegaanka Soomaalida Ethiopia.

“Iyadoo aan la xallinin is afgaranwaaga muddada dheer soo taagnaa iyo arrinta siyaasiga ee dhextaalla Soomaalida Ogaadeeniya ku nool iyo Ethiopia in hantidoodii loo gacan dhaafo oo lagu quudiyo dad kale oo Ethiopian ah waa gacan dhaaf waana diidannahay” ayuu yidhi Afhayeenka Jabhadda ONLF Caddaani Hiirmooge.

Dawladda Ethiopia ayaa Markii u horraysay shidaal tijaabo ah ka soo saartay deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Ra’iisulwasaare Abiy Axmed oo arrintaas ka hadlayana wuxuu sheegay in maalinkaste la soo saari doono 450 foosto oo shidaal qaydhin ah, sannadka u horreeyana la filayo in ay ka faa’iidaan hal bilyan oo doolar.

“Marka ay shaqadu dhamaato ee aan ka dhoofino dekedda Djibouti waxaan qiyaasaynaa in aan sannadkii ka heli doono siddeed bilyan oo doolar” ayuu yidhi Abiy

www.somaoilandgas.com/m/shareholders/

WARARKA MAANTA 29ka Juun 2018 Sir Culus!

Su’aallaha Maanta: Maxay tahay sabata uu khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-sade” ugu dhiibay ONLF Taliye Cabdikariim Shiikh Muuse Qalbi-Dhagax oo ay si xor ah u soo daysay Ethiopia? Maxay tahay sabata uu khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-sade” wadno xannuunka uga dhacay markii uu maqlay inay Ethiopia sii daysay ONLF Taliye Cabdikariim Shiikh Muuse Qalbi-Dhagax? Maxuuse Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Yariisoow u kashifay inuu masuuliyada iyo khiyaanada loogu dhiibay ONLF Taliye Cabdikariim Shiikh Muuse Qalbi-Dhagax Ethiopia uu masuul ka yahay khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-sade” oo khaa’inul waddan inuu si deg deg ah isku-casilo tahay? Maxayse samayn doonaan labada aqal oo hadda xaqiiqsaday khaa’inul waddaninimadda uu ku kacay khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-sade”? Maxay tahay cajalada aanu ka duubnay ONLF Taliya Cabdikariim Shiikh Muuse Qalb-Dhagax oo sheegay in Ummadda Soomaaliyeed laga qabto khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-sade”inta uusan iibin dadka iyo dhulka Soomaaliyeed? Ummadda Soomaaliyeed waxay ka codsanayaa Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo inuu si deg deg ah shaqada ugu cayriyo khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-sade” haddii kale uu iscasilo waayo xukuummadda fashilantay ee uu hoggaamiyo khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-sade” wax dhaqaallo ah kama heli doonto beesha caalamka? Yaa maanta runta qarin kara?

ONLF 29ka Juun 201 Ururka ONLF ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sii deynta Sarkaalka ka tirsan Jabahadda ONLF ee lagu magacaabo C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax), kaasi oo bishii September 2017-kii dowladda Soomaaliya ay ku wareejisay Itoobiya kadib markii lagu eedeeyay ka mid ahaanshiyaha ururada Argagixiso.

Afhayeenka Ururka ONLF Cabdiqaadir Xasan Hirmooge Caddaani oo la hadlay VOA-da ayaa wuxuu sheegay in C/kariin uu ahaa siyaasi u xirnaa Itoobiya, hadana uusan u qalmin in kolba meel lagu qariyo, muhiimna ay tahay in xoriyad dhameystiran la siiyo marba haddii la sii daayay.

Wuxuu sheegay in labaatan maallmood kahor laga sii daayay xabsiga oo lagu hayay xaafad, maxbuusna uusan aheyn sidoo kalena uusan xoriyad heysan, midaasina ay tahay wax aad looga xumaado.

“C/kariin wuxuu ahaa siyaasi u xirnaa dowladda Itoobiya, in odayaal uu magan u ahaado ma ahan, in sii deyn iyo heyn uu u dhaxeeyo arrimahaasi waa wax ka baxsan nidaamka maxaabiista, labaatan maallmood kahor ayaa laga sii daayay xabsiga oo lagu hayay xaafad, C/kariin waa inuu helaa xoriyadiisa siyaasiga ah.” Ayuu yiri Afhayeen Hirmooge.

Wuxuu sheegay inay doonayaan C/kariin in la geeyo meel uu ammaan ku helayo oo reerkiisa uu waqti kula qaadan karo, isaga oo sidoo kale tilmaamay inaanay markale dooneyn in (Qalbi-dhagax) uu ku laabto Soomaaliya oo uu tilmaamay in markii horeba ay iibsatay dowladda.

Baraha bulshada ayaa tan iyo shalay waxaa la soo gelinayay sawiro C/kariin uu xiran yahay dhar cusub oo la taagan dad odayaal ah oo ehelkiisa ah bartamaha magaalada Addis-ababa, kuwaasi oo uu galay markii la sii daayay kadib, farxad iyo dhoola cadeynna ay ka muuqatay.

Muqdisho 29ka Juun 2018 Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo ka qeyb kulan ciyaareed qeyb ka ah barnaamijka isdhexgalka bulshada oo ay ku tartamayeen labo kooxood oo ka dhisan degmada Waaberi ayaa sheegay in Isboortigu uu kaalin wanaagsan ka qaato isdhexgalka iyo Nabadda bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in maamulkiisu uu xoogga saarayo hagaajinta nolasha dhalinyarada iyadoo loo marayo ciyaaraha, waxuna xusay in degmooyinka laga sameeyey barnaamijyo isdhexgal bulsho, si loo muujiyo awoodda mideysan iyo hormarka ay dhalinyarada Soomaaliyeed ka sameeyaan ciyaaraha.

“Isboortigu wuxuu kaalin wanaagsan ka qaataa nabadda iyo isdhexgalka bulshada, ka maamul ahaanna waxaan aamin sannahay in ciyaaruhu naga caawin karaan in Muqdisho ku soo laabato sidii ay ahaan jirtay barisamaadkii, tanoo ah fursaddii ay dhalinyaradeenu uga qeyb qaadan lahayeen xasilloonida iyo amaanka dalka, khaasatan amaanka magaalada oo muhiim u ah daganaanshaha guud ee dalkeenna.” Ayuu yiri Duqa Muqdisho Eng. Yarisow oo la hadlayay dhalinyaro tiro badan oo isugu soo baxay daawashada ciyaarta.

Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan ayaa dhammaadka ciyaarta labada kooxood ee ku kala ciyaarayay magac xaafadeedyada Sargaduud iyo Baar-ha-idhaafin guddoon siiyey koob kooxdii guushu raacday ee Sargaduud, isagoo ku ammaanay maamulka iyo shacabka degmada Waaberi muhiimadda ay siinayaan Isboortiga.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa degmooyinka Caasimadda ka wada barnaamijyo bulshada la isagu soo dhaweynayo si ay iskaga kaashadaan hormarinta nabada amniga iyo dhexgalka bulshada, iyadoo ujeedku yahay in la helo bulsho isku xiran oo ka shaqaynaya horumarinta dalkooda.

Tukaraq 29ka Juun 2018 Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in saacadihii la soo dhaafay ay halkaasi ku sii qul qulaayan Ciidamo aad u farabadan oo wata gaadiidka dagaalka.

Warar aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamo aad u farabadan oo ka yimid Magalada Khardho ay gaareen deegaanka Tukaraq,kuwaas oo ah kuwo todobaad gudihiisa halkaasi agaray markii labaad.

Ciidamadaan ayaa waxa ay ku biirayaan Ciidamada Puntlnad eek u sugan Tukaraq,kuwaas oo dagaal kula jira Ciidamada maamulka Soomaaliland.

Dhinaca kale Maamulka Soomaaliland ayaa iyana dhankooda waxa ay ciidamadii ugu badana geeyeen deegaanka Tukaraq,waxana taasi ay dhalisay in weli xiisadii dagaal ee ka taagneyd halakasi ay kororto.

Masuuliyiinta labada Maamul ee Puntland iyo Soomaaliland ayaa waxa ay hawada isku marsiinayaan hadalo sii hurinaya colaada,waxan weli sdioo kale jirin waan waan la kala dhex dhigay Ciidamada Soomaaliland iyo Puntland.

Maamulka jubbaland 29ka Juun 2018 Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa Warbaahinta u sheegtay in la joojiyay hirgelinta tuulooyin, degmooyin iyo magaalooyin lagu soo daro Jubbaland.

Waxa uu sheegay in dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ay sharci ka soo saareen arrintan loona baahan yahay in shacabka iyo madaxda kale ay u hogaansamaan.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in wasaarada arrimaha gudaha looga baahan yahay in sharciyada ay hirgeliso kana hortagto cid walbo oo dooneyso iney sharciga ka talaabsato.

Odayaal, waxgarad iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Jubbaland ayaa mudooyinkii dambe waday olole magaalooyin iyo degmooyin cusub loogu soo darayo Jubbaland balse waxaa arrintaas ka soo horjeestay madaxda dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Maamulka jubbaland 29ka Juun 2018 Taliska Ciidanka Nabad Sugidda maamulka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland waxa ay ku soo bandhigeen 12 nin oo ay sheegeen in ay ka soo goosteen xoogaga Shabaab.

Taliyaha Nabad sugidda Maamulka Jubbaland Khaalid Sheekh C/laahi oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay raggan oo 12 gaaraya inay iska soo dhiibeen dhanka deegaanka Baar-sanguuni iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Deegaanka Baar-sanguuni ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ka dhacay dagaalo culus oo u dhaxeeyay Ciidanka Jubbaland oo garab ka helaya kuwa Mareykanka iyo ururka Al-shabaab, waxaana dagaaladaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Qaar ka tirsan Shabaabka isa soo dhiibay oo laftirkooda warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen isa soo dhiibitaankooda inay ka dambeysay kadib markii sida ay tilmaameen la kulmeen culeysaad iyo daruufo adag.

Ugu dambeyntii Maamulka Jubbaland ayaa wuxuu sheegay raggan isa soo dhiibay inay gacmo furan ku soo dhaweynayaan, ayna suuragelin doonaan marka ay dhameystaan tababarka dhaqancelinta inay dadkooda ka mid noqdaan, mustaqbalkoodana dhistaan.

Maraykanka 29ka Juun 2018 Diyaaradaan ay saaran yahiin Soomali sharcigana loo diiday ayaa ka soo duushay dalka Mareykanka iyadoona  Maalinta Barina ka soo dagi doonto Eraboorka Caalamiga ee Eadan Cabdule Cismaan  ee  magaalada Muqdiaho

Warkaan  ah in diyaarad Tarxiil laga keenayo dalka Mareykanka ay imaneysa Muqdiaho ayaa waxaa noo xaqiijiyey masuuliyiinta amniga oo u diyaar garoobayo soo dhaweynta muwadiniinta Soomalid ah

Maaha markii ugu horeysay Soomali laga soo tarxiilo dalka Mareykanka

Muqdisho 29ka Juun 2018 Koox hubeysan ayaa goor-dhaw magaalada Muqdisho ku dhaawacay Wariye Farxiyo Mire oo ka tirsan Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya sida ay warbaahinta dalka soo gaarsiiyeen xubno ka tirsan Wasaaradda iyo Goob joogayaal.

Koox hubeysan ayaa la sheegay iney Gabadha ku dhaawacayn agagaarka Isgoyska dabka waxaana la soo sheegayaa iney ka tirsan Qeybta Radio Muqdisho ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Ciidamada ay qabteyn kooxdii dhaawacday Gabadha oo ku hubeesnaa Bastoolad hadana ay baarayaan Ciidamada amniga Soomaaliya, ma jirto faah faahin intaan dhaafsiisan oo ay ka heshay KNN wararka ku saabsan dhaawaca Farxiyo Mire.

Maraykanka 29ka Juun 2018 Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horreysay waxa ay maanta xariga ka jartay wax soo saarka ceelal laga qodo Shidaalka ceyriin oo ku yaalla deegaanka Soomaalida.

Ceelasha shidaalka ee maanta la daahfuray ayaa waxa ay ku yaallaan deegaannada Kaali iyo Ilaalo oo ka tirsan deegaanka Soomalida Itoobiya.

Xafladda furitaanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar iyo wasiirka macdanta ee dowladda fedaraalka Itoobiya.

Warbaahinta dowladda Itoobiya ee lagu magacaabo Fana ayaa mar sii horreysay ka soo xigatay Rai’sul wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed in shacabka dalkiisa uu uga hambalyaynayo islamarkana maalintii la soo saari doono 450 barmiil oo shidaal ah.

Shidaalka gobtaasi ceegaaga ee ay heshay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha ee lagu magacaabo Poly-GCL ayaa waxaa lagu qiyaasay 6 ilaa 8 Trillion Cubic Feet.

Shidaalka ceyriin ee goobtaasi laga helo ayaa waxa lagu wadaa in loo safriyo magaalada Addis Ababa iyo qaybaha kale ee dalka Itoobiya si gudaha loogu sifeeyo inta lagu guda jiray tijaabada.

“Waxaa muhiimka ah ayaa waxa uu yahay qaabka uu wadanka u isticmaalayo kheyraadka.

“Waa qasab in aan isku raacno in si xaq iyo sinaan ah loo qaybsado kheyraadka,” ayuu yirirai’sul wasaare Abiy.

Raisul wasaaraha dalka Itoobiya ayaa intaa ku daray in kheyraadka la helay uusan noqon mid horseeda khilaaf iyo dagaal sida ka dhacday dalalka qaar.

“Mararka qaar kheyraadka ayaa horseeda dagaal sida ka dhacday dalalka kale,” ayu yiri Dr Abiy.

Waxaa sidoo kale shaaca laga qaaday in dhismaha dhuumihii qaadi lahaa shidaalka oo ku xiraya ilaa Jabuuti uu bilaabanayo bisha September.

Dhoofinta shidaalka ayaa lagu wadaa in ay bilaabato sanadda 2021.

Shidaalkani ayaa waxaa lagu wadaa in uu sanooyiinka ugu horeeya ka soo galo dalka Itoobiya dhaqaala dhan 1.2 bilyan oo doolar.

Balse dhaqaalaha ka so baxa ayaa si tartiibtartiib ah u kordhi doona waxaana lagu wadaa in uu gaaro 7 bilyan oo doolar.

Khuburada ayaa sheegaya in khayraadkan dabiiciga ah haddii si xaq ah oo wanaagsan loo isticmaalo uu gacan ka gaysan doono in lacagta Itoobiya uu qiimaheedu sare u kaco islamarkana uu dhaqaalaha dalkaasi si xawli ah u kobco.

Waxaa sidoo kale shidaalkan laga helay dhulka Soomaalida Itoobiya uu gacan ka gaysan karaa in dadka ay helaan fursado shaqo.

Waxaa jira cabsi dhanka ammaanka ah maadaama horey injineero shidaal qodis ka waday deegaanka Soomaalida Itoobiya lagu laayay halkaasi.

2007 ayay ahayd markii 11 injineer oo u dhashay dalka Shiinaha iyo 74 qof oo ah dadka u dhashay dalkaasi ay jabhadda ONLF ku dileen halkaasi.

Balse gobolka ayaa imika la sheegay in uu ammaan uu yahay .

Ibraahim Sheekh Muxumed, {Ibraahim Dheere} oo horay madax uga ahaa ururukii UWSLF, ee xorenta Soomaali galbeed oo Itoobiya horay ula heshiiyay ayaa sheegay in ay tahay fursad aad u fiican oo ay dadka deegaankaasi sugayeen muddo qarni ka badan.

Mr Ibraahim ayaa intaa ku daray in caqabadaha ka hor imaan kara arrintani ay ka mid tahay arrinta amniga ayna tahay in arrintaasi la xaliyo.

Waxa uu sheegay in sanooyiin ka hor weerar lagu qaaday goob shidaal laga qodayay oo deegaanka ka tirsan lagu laayay injineero islamarkana ay tahay in arrintaasi la xaliyo si kalsoonida shirkadaha loo kasbado.

“Waxaan ogsoonahay in mar hore rag injineero ah oo shiineysa ah lagu laayay oo jabhadihii dagaalamayay ay laayeen marka taasi waxay u baahan tahay in la xaliyo oo jabhadaasi ONLF lala hadlo oo lala heshiiyo si degdeg ahna kiiskaasi loo dhameey”.ayuu yri.

https://www.youtube.com/watch?v=quPGP21KKqQ

WARARKA MAANTA 28ka Juun 2018 Sir Culus!

Su’aallaha Maanta: Maxay tahay sabata uu khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-sade” u diiday in shidaalka Soomaaliya la qodo asagoo saami ku yeeshay shidaalka laga soo saarayo gobalka Ismaamulka Soomaalida Ethiopia ay xoogga ku haysato? Maxuuse khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-sade” u diidan yahay in Gobalka Banaadir loo sameeyo Maamul Gobaleedka Gobalka Banaadir State? Maxuuse khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-sade” u diiday in si fiican loo dhiso Dowlad Gobaleedka Galmudug State? Soo maanta Ummadda Gobalka Banaadir Iyo Ummadda Soomaaliyeed uma caddaan inuusan khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-sade” rabin horumarka iyo dowladnimada dalka Soomaaliya sida ay horeba u kashiftay Idil Farmaajo oo runta ka sheegay khiyaanooyinka iyo marin-habaabinta uu wado khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-sade”! Yaa maanta diidi kara inay beesha caalamka si fiican u diiday wax dhaqaallo ah inay siiso xukuummadda fashilantay ee uu hoggaaminaayo khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-sade”? Maxuuse u rabaa inuu shaqada ka cayriyo khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-sade” wasiiro dhowr ah oo uu ugu horeeyo Wasiirka Arrimaha Dibadda oo sir badan kashifay asagoo waraaqo u kala qoray deeq-bixiyaasha caalamka asagoo caddaynaaya inuu khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-sade”yahay shaqsiga ugu musuqmaasuqa badan Afrika? Soomaaliya iyo labada aqalba waxaa haysta dhib marka Illaahay ha ka dulqaado khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-sade!

Muqdisho 28ka Juun 2018 Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Bekar, ayaa wuxuu mudooyinkii dambe uu ka waday magaaladda Muqdisho kulamo siyaasadeed, kuwaasoo uu la yeelanayey madax ka tirsan dowladda Federaalka.

Shirkii ugu dambeeyay waxa uu la yeeshay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed, iyo Taliyaha ciidamadda xooga dalka Sareeye Gaas Cabdiwali Jaamac Xuseen [Gorod].

Illo-wareedyo la socday kulanka ayaa sheegay, in Safiirka uu kala hadlay taageeradda arrimo ku saabsan taageerada uu Turkiga siiyo ciidamada Soomaaliya iyo xaaladda Saldhiga Janaraal Gordan ee Imaaraadka uu faarujiyay.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ay ku leedahay Safaaradda Turkiga ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Ankara ay joogteyn doonto taageeradda ciidan Xoogga dalka Soomaaliya, iyadoo usoo marinaysa Wasaaradda Difaaca.

Kulanka dhexmaray mas’uuliyiinta ayaa imaanayaa iyadoo dhawaan Madaxweyne Farmaajo uu booqday Saldhigii Imaaraadka maamuli jiray ee Jeneraal Gordan, halkaasoo uu tababar ugu soo xiray Askar cusub oo kusoo biiray Ciidamada.

Warar ayaa sheegaya in Wasiirka difaaca iyo Taliyaha Ciidamaada ayaa taageero maaliyadeed u raadinaya Saldhiga Gordan, kaasoo hadda lasoo warinayo inay ka jirta baahiyo badan, oo dhanka dhaqaalaha iyo agabka ah.

Turkiga wuxuu hadda gacanta ku hayaan Saldhig wayn oo uu ku leeyahay deegaanka Jazeera ee duleedka Muqdisho, kaasi oo ah midka ugu weyn ee uu dalkaasi ku leeyahay Africa.

Dowladda Soomaaliya ayaa xusul duub ugu jirtay tan iyo markii Imaaraadku baneeyey Xeradda Janaraal Gordan sidii ay u heli lahayd dowlad ka saacidda kharashaadka ku baxa Saldhigan, walina waxaa muuqata in aysan helin.

Muqdisho 28ka Juun 2018 Waaxda gaadiidka dowladda hoose ee Xamar ayaa xalay hawlgal ay ka sameeyeen wadada isku xirta Isgoysyada Black Sea iyo Bakaaraha ee loo yaqaano Kacaan waxa ay ku burburiyeen goobo badan oo sharci daro ah.

Masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegeen goobahan la burburiyay in ay lidi ku ahaayeen amniga guud, nadaafadda iyo bilicda suuqa weyn ee Bakaaraha.

Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Maxamed (Tuulax) ayaa soo kormeeray inta uu socday hawlgalkan, wuxuuna warbixin ka dhageystay maamulada degmooyinka Hodan iyo Hawlwadaag oo hawlgalkan qeyb ka ahaa.

Guddoomiyaha degmada Hawlwadaag C/kariin Cali Kaar ayaa yiri “Wadada wey xirneyd dhibaatooyin badana way ku heysay degaanka oo ay ammaan darada, nadaafad xumnida iyo ciriiriga wadooyinka ay ka mid yihiin, waxaan rabnaa in ay yimaadaan wax qurxoon, dadweynaha ku ganacsada waxaan u sheegeynaa in ay mamnuuc tahay in wadadan alaab kale soo dhex dhigaan.”

Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Maxamed (Tuulax) ayaa sheegay in maamulka gobolka uusan u dulqaadan doonin wax walba oo lidi ku ah amniga iyo nadaafadda magaalada Muqdisho.

“Meeshaan xitaa caafimaadka uma fiicna, marka aad aragto sida ay tahay, aniga isma oraneyn wado nuucaan ah ayaa ku taalla magaalada Muqdisho, qofkii meeshaan bil ku ganacsanayay caafimaadkiisa qatar ayuu ku jiraa, qofka deegaan ahaan u deganaa maba ku sii jirto, habeenadii la soo dhaafay waxaan magaalada ka wadnay inaan dib u furno wadooyinka sharci darada loogu ganacsanayo.” Ayuu yiri Gudoomiye Tuulax.

Ugu dambeyntii Guddoomiye Maxamed Tuulax ayaa sheegay in ganacsatada qaar ay dib ugu soo laabtaan goobihii laga guuriyay, balse midaasi aysan aqbali doonin, cidii sharciga ka hor timaadana lala xisaabtami doono.

Muqdisho 28ka Juun 2018 Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay wadaa dadaalo ay ku xalineyso khilaafka u dhaxeeya hoggaanka sare ee maamulka Galmudug, kaasi oo marba marka ka dambeysa uu cirka isku sii shareerayo.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, kuxigeenkiisa Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir waxa ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho, iyada oo shalay gelinkii dambe ay kulan la qaateen Madaxweynaha Soomaaliya.

Warar ku dhaw dhaw kulanka ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha uu labada garab u soo jeediyay in khilaafkooda ay xaliyaan, iyada oo uu tilmaamay in dowladda ay la garab taagan tahay wax walba oo lagu xalinayo khilaafka.

Madaxweyne Xaaf ayaa la sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu u gudbiyay in xukuumadda Soomaaliya ay tuhunsan yihiin in ay ku lug leedahay khilaafka u dhaxeeya hoggaanka sare ee Galmudug, Madaxda sare ee dowladda dhexena loo baahan yahay in ay faragelinta ka daayaan Galmudug.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir ayaa waxa ay beeniyeen jiritaanka in xukuumadda Soomaaliya ay faragelin ku heyso Galmudug, laakiin ay sheegeen in ay iyagu ay diidan yihiin isbedel lagu sameeyay qodobada qaar ee Dastuurka.

Dhinaca kale Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa la sheegay in uu ku soo wajahan yahay magaalada Muqdisho, si uu qeyb uga noqdo wada hadalka lagu heshiisiinayo Madaxda Galmudug.

Laascaanood 28ka Juun 2018 Wararka naga soo gaaraya Magalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in xalay halkasi uu ka dhacay daagal culus oo mduo 3- daqiiqo ku dhow socday sida ay dadka Magaladaas xaqiijiyeen.

Dagaalkaas ayaa yimid ka dib markii rag hubeysan oo aan weli la garan ay weerareen Saldhiga Bartamaha Magalada laas-caanood,iyada oo dadka deegaanka ay sheegeen in xalay saqdii dhexe ey maqleen rasaas ka dhaceysa Magalada.

Ciidamada Maamulka Soomaaliland ayaa gacanta ku haya Magalada laas-caanood,waxana saraakiisha ciidamadaas aysan weli ka hadlin weerarka xalay ka dhacay laas-caanood iyo khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay.

Todobaadkii hore ayaa guddoomiyaha Gobolka Sool ee Puntland waxa uu sheegay in ay weerareen magalada laas-caanood,isla markaana saldhiga ay ka siidaayeen maaabiis u xirneyd Ciidamada Soomaaliland.

Nairobi 28ka Juun 2018 Ilaa hadda waxaa la xaqiijiyey inay 9 qof geeriyootay, halka In ka badan 58-qof oo ay ku jiraan Ganacsato uu dhaawacyo gubasho ah ka soo gaaray dab qabsaday Suuqa Gikombe oo ku yaalla Xaafadda Kamukunji ee magaalladda Nairobi.

Dabkaasi ayaa la sheegay inuu kacay abaarihii 2:30 daqiieo ee saqdii dhexe ee xalay, waxaana lagu guuleystay in la damiyo abaarihii 7:30 subaxnimo.

Ciiddanka Dab-damiska ee Maamulka Nairobi ayaana hardan xoog leh u galay sidii loo joojin lahaa Faafista Dabka ka kacay Suuqaasi oo geystay khasaaro hantiyeed.

Hay’adda Bisha Cas ee dalka Kenya waxa ay sheegtay inuu dabku kacay abaarihii 1-dii habeenimo ee saqdii dhexe ee xalay, ka hor inta uusan dabku ku faafin qeybaha kale ee Suuqaasi oo badankiisa lagu iibiyo Dharka horey loo soo isticmaalay.

Dabka waxaa kaloo la sheegay inuu ku faafay Dhismooyin la deggan yahay, waxaana la soo weriyey inuu khasaaro xooggan u geystay hantidii taallay Dhismayaashaasi.

Jarmalka 28ka Juun 2018 Xulka Jarmalka oo ku guuleystey ciyaarihii koobka adduunka ee ugu dambeeyay ayaa ku haray wareegga koowaad ee tartanka koobka adduunka ee ka socda dalka Ruushka.

Kulankii saddexaad ee ay ciyaareen xulka Jarmalka maanta taasoo la filayay in ay si sahlan ugaga badiyaan xulka Koofur Kuuriya ayaa noqotay mid isbedel ku yimid waxaana daqiiqadahii ugu dambeeyay ee ciyaarta Xulka Koofur Kuuriya u suurtogashay inay dhaliyana labo gool oo darandoori ah kadib markii xulka Jarmalka uu xoogiisa isugu geeyay sidii uu goolal ku dhalin lahaa.

Jarmalka ayaa wuxuu noqday xulkii afaraad ee kasoo jeeda yurub oo ku hara wareegga koowaad ee group-ka isagoo difaacanaya koobka adduunka, waxaana ka horeeyay France (2002), Italy (2010) iyo sidoo kale Spain (2014).

Dhinaca kale, Sweden ayaa iska xaadiriyay wareega 16-ka kadib markii ay 3-0 ugaga badiyeen xulka Mexico balse xulka Mexico ayaa ka soo gudbay wareega koowaad maadaama uu labadii kulan ee ay hore u dheeleen ay soo badiyeen.

Nairobi 28ka Juun 2018 Ka dib kulan gaar ah oo ay Magalada Nairobi ee dalka Kenya ku yeesheen guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya iyo dhigiisa dalka Jabuuti ayaa waxaa guddoomiyaha Baarlaamanka Jabuuti lagu casuumay in uu yimaado Magalada Muqdisho.

Guddoomiye Senator Cabdi Xaashi, ayaa guddoonka iyo Aqalka Senate-ka Kenya u fidiyay casuumaad ayna booqasho ku yimaadaan Soomaaliya, arrintaas oo uu Aqbalay Guddoomiha Aqalka Senate-ka Kenya Senator Kennedy Lusaka.

Sidoo kale waxaa dhawaan la filayaa in wafdi hordhac oo ka socda Aqalka Senate-ka Kenya uu soo gaaro Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Kulanka gaarka ahaa ayaa sidoo kale waxa ay uga wada hadleen muhiimadda ay leedahay in labada Senate (Aqal) ay is waydaarsadaan khibradaha.

ONLF IYO Ethiopia 28ka Juun 2018 Iyada oo dowladaha Itoobiya iyo Eritrea ay bilaabeen wadahadalo toos ah oo miiska lasoo wada fariistay, wafuudna is dhaafsadeen, ayaa waxa ay u egtahay in isbadalada siyaasadeed ee Geeska Afrika ka dhacaya uu meelo badan saamaynayo.

Muddo dheer dowladda Itoobiya waxa ay tan Eritrea ku eedeyneysay in ay taageerto jabhadaha la dagaalansan, sida ONLF oo xarumo ku leh dalka Eritrea.

Balse wadahadalada labada dal kadib, waxaa dalka Eritrea ka furmaya shirweyne ay yeelanayaan xubnaha ONLF oo ah jabhad u dagaalanta madaxbanaanida gobolka Ogaden.

Afhayeenka jabhadda ONLF Cabduqaadir Xassan Xasan Caddaani Hirmooge oo Asmara ku sugan, shirkana ka qeybgalaya, wuxuu sheegay in shirkani uu yahay kii seddexaad, islamarkaasna uu ka mid yahay kuwii caadiga ahaa ee jadwalka ku jiray.

Afhayeenka ayaa dhanka kale yiri “Isbadalada waan soo dhaweyneynaa, balse waxaan weli dhawreynaa in ay noqdaan kuwa asaasi ah ee ay Itoobiya isku khilaafsantahay, anaga Soomaali ahaan aan Itoobiya ku khilaafsanahay, in isbadaladaas ay taabtaan baan aaminsanahay, diyaar baanu u nahay in aan wadahadal la galno”.

Sanadkan horaantiisa ayay wadahadalo yeesheen ONLF iyo dowladda Itoobiya oo uu markaas matalayay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar.

Jubbada hoose 28ka Juun 2018 vSaraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay soo bandhigeyn Sarkaal ay sheegeen in uu ka mid ahaa Al-Shabaab balse isku soo dhiibay Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Sarkaalkaan ayaa waxaa lagu Magacaabaa Xuseen Maxamuud Ramadaani,waxa uuna Al-Shabaab u qaabilsanaa qaadista Zakawaadka sida uu Warbaahinta u sheegay Taliyaha howlgalinta Ciidanka Xoogga ee qeybta 43-aad G/sare Ismaciil Shiikh Isxaaq.

Sidoo kale Takiye Isxaaq ayaa waxa uu sheegay in sarkaalkaas oo ka qeyb qaatay dagaalo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose,kaas oo dhexmaray Al-Shabaab iyo Ciidanka dowladda Soomaaliya.

Warkaan ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobolada Jubbooyinka iyo Sarkaalka ay soo bandhigeyn weli dhankooda kama hadlin Al-Shabaab

Muqdisho 28ka Juun 2018 Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la filayaa in isku shaandheyn kale oo kooban uu ku sameeyo golaha wasiirada, ayada oo dhowr wasiir xilka laga qaadi doono, sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen warbaahinta dalka.

Wasiirada la filayo in la beddelo ayaa waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, oo bilihii dhowaa ay aad isugu xumaayeen ra’iisul wasaaraha, sida aan xogta ku helnay.

Inkasta oo aan la ogeyn sababta dhabta ah ee ay isugu dhaceen labada nin, haddana xubno ku dhow wasiirka ayaa laga soo xigtay in wasiirka uusan jecleysan hab-dhaqanka ra’iisul wasaaraha oo ay ugu weyn tahay amarro joogto ah.

Arrintan ayaa keentay in wasiirka uusan ra’iisul wasaaraha u raacin shirar badan oo arrimaha dibedda ku saabsanaa, oo ay ahayd inuu uga hormaro, waxaana inta badan la arkaa isaga oo la safra madaxweynaha.

Xubnaha la beddeli doono ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah wasiirka waxbarshada Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan, ayada oo xilkiisa la siin doono Cabdullaahi Goodax Barre, oo ay kasoo wada jeedaan hal beel.

Goodax ayaan qaadan doonin wasiirka waxabarashada, hase yeeshee waxaa xilkaas la siin doonaa qof kale, kadibna Goodax ayaa lagu magacaabi doonnaa wasaarad aan illaa hadda la shaacin.

Waxaa sidoo kale la isku shaandheyn doonaa dhowr wasiir oo kale, inkasta aysan weli caddeyn faahfaahintooda wasiirada la filaayo in la isku badalo.

Ethiopia 28ka Juun 2018 Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in dalkiisa uu bilaabi doono Khamiista inuu ka soo saaro shidaal cayriin degaanka Soomaalida sida ay warbaahinta gudaha ku warramayso.

Mr Abiy wuxuu sheegay in baaritaanka, oo muddo dheer ka socday gobolka Soomaalida ee Itoobiya, ay ka soo baxeen natiijooyin wanaagsan.

Shirkad Shiinaha laga leeyahay, Poly-GCL, ayaa mashruuca qaadatay.

Shirkaddu waxay billaabaysaa inay soo saarto 450 fuusto oo shidaal cayriin ah maalin kasta, waxaana la filayaa in intaas laga sii badiyo.

Mr Abiy wuxuu sheegay in shaqada dhismaha dhuun shidaalka qaadda oo gaysa Jabuuti ay dhawaan billaaban doonto.

Maraykanka 28ka Juun 2018 Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo arrimo shaqo u jooga dalka Mareykanka, ayaa ka qeyb galay Shir ay isugu yimaadeen Guddiga ugu sarreeya ee Maamula Ciidanka Booliska Aduunka oo lagu Magacaabo “Pearls”.

Shirkaasi, ayaa waxaa lagu Casuumay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Waxaana Soomaaliya ay noqotay Dawladda Kaliya ee Afrika ka mid ah oo shirkaasi ka qeyb gashay, kadib markii la arkay dadaalka ay ugu jiraan nabadeynta dalka.

Guddiga ugu sarreeya ee Maamula Ciidanka Booliska Aduunka oo lagu Magacaabo “Pearls”, ayaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku ammaanay Hawlaha adag ee ay hayaan, iyaggoo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya u aqoonsaday inuu yahay Booliska ugu wanaagsan ee Afrika markii laga fiiriyey dhinacyo badan, sida uu sheegay S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa sidoo kale xusay in shirkaasi Madaxdii kasoo qeyb gashay uu uga warbixiyey sida ay u shaqeeyaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Caqabadaha horyaalo ee loo baahan yahay in Xal loo helo.

“Guddiga ugu sarreeya ee Maamula Ciidanka Booliska Aduunka oo lagu Magacaabo “Pearls”, ayaa shir ay isugu yimaadeen oo aan ka qeyb galay waxay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed u aqoonsadeen inuu yahay Booliska u wanaagsan Afrika, markii laga fiiriyey dhinacyo badan, Shirkaasi oo ka dhacay dalka Mareykanka, ayaa Soomaaliya waxay noqotay Dawladda Kaliya oo Afrika kamid ah oo shirkaasi ka qeyb gashay” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko.

https://www.youtube.com/watch?v=bi560rZesiI

 

WARARKA MAANTA 24ka Juun 2018 Sir Culus!

Su’aallaha maanta: Maxay beesha caalamka u siin weysay dhaqaallo dowladda Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo “Been’Hawaas”? Ama maxaa dhaqaallo loo siin waayey xukuummadda fashilantay ee habro-wadaag taasoo uu hoggaaminaayo khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” oo muddoo hal sanno iyo afar bilood xaqiiqsaday inaysan beesha caalamka siinayinin wax dhaqaallo? Maxay tahay raggan hadda wax u qaban la Ummadda Soomaaliyeed oo bilaabay ololaha tartanka doorashooyinka 2020ka? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha soo socda? Maxay xukuummadda fashilantay ay u heli ladahay wax lacag ah oo ay ku soo daabacato lacag cusub? Xaggee/halkee lagu bixiyaan cashuurta gobalka Banaadir laga soo guro? Maxayse u diidan yihiin in wax maamul gobaleed ah loo sameeyo gobalka Banaadir? Yaa diidan in maamul gobaleed loo sameeyo?

Maraykanka 24ka Juun 2018 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeer kadis ah ku tagay Dugsiga Tababarka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Janaraal Gordon ayaa sheegay in dowladdu ay dejisay qorsheyaal muhiim u ah dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida.

Madaxweynaha waxa uu hadal u jeediyey Guutada 14-ka Oktoobar ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, isagoona ku bogaadiyey Saraakiisha Soomaaliyeed ee u istaagay in ay soo saaraan geesiyaal dhallinyaro ah oo ay ka go’antahay xoreeynta dalka iyo in ay shacabka Soomaaliyed ka dul qaadaan dhibaatada ay ku hayaan argagixisada Alshabaab.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhiirri geliyey ciidankan oo dhawaan ku wajahan furimaha dagaalka, sida ay u ajiibeen baaqiisii ku saabsanaa difaaca dalka “Waxaan idin ku ammaanayaa in aad ajiibteen codsigaygii ku saabsanaa in la helo mutadawiciin ka qeyb qaata difaaca dalka, Waxaan rajeynayaa in aad noqotaan kuwii ka xoreeyn lahaa dalkan nabaddiidka caadeeystay in ay si arxan darro ah u daadiyaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed.”

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa kormeeray Xafiisyada ay ku shaqeeyaan talisyada kala duwan ee Guutada 14ka Oktoobar, kaydka saanadda iyo saheyda ciidanka, rugta caafimaadka ee dugsiga Janaraal Gordon iyo goobaha ay ku tababartaan ciidanku.

Kormeerkan waxaa Madaxweynaha ku wehliyey Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Mudane Xasan Cali, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Cabdiweli Jaamac Gorod, Taliye Ku Xigeennada iyo Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Laascaanood 24ka Juun 2018 Waxaa magaalada Lascanood hada ka socda hubka culus oo aan la aqoon cida ridaysa, balse aad loola yaabanyahay. Mar kaliya ayay lascanood isla yeedhay waxaa hada shacabka la yaaban yihiin cid isku ridaysa hubka culus gudaha magaalada.

Zimbabwe 24ka Juun 2018 Qarax ayaa laga maqlay goob uu ka socday isu soo bax olole doorasho ah oo uu ka qeyb galayay Madaxweynaha Zimbabwe Emmerson Mnangagwa magaalada Bulawayo. Warbaahinta ayaa soo tabineysa in Madaxweynaha aanay waxyeelo ka soo gaarin qaraxa, isla markaana si degdeg ah looga saaray garoonka White City Stadium oo uu ka socday isu soo baxa.

Qaraxa ayaa dhacay xili Madaxweynaha Zimbabwe uu ka soo baxayey goobta uu dadka kula hadlay. waxaana la sheegay in Madaxweynaha uu badbaaday oo aysan waxyeelo soo gaarin.

Mnangagwa ayaa talada dalka la wareegay bishii November ee sanadkii hore, kaddib xukunka ka degay Robert Mugabe oo muddo soo xukumayay dalkaas 30-ka bisha July ayaa la filayaa inay ka dhacdo Zimbabwe doorasho.

Sacuudiga 24ka Juun 2018 Dumarka Ku Nool Dalka Sucuudiga Oo Dabaal Degyo Dhigay Ka Dib Markii Loo Ogolaaday In Ay Baabuur Ku Dhex Kaxaystaan Gudaha Sucuudiga.

Addis Abab 24ka Juun 2018 Sidda ay shaacisay Warbaahinta Xukuumadda Ethiopia ayaa xirxirtey ilaa iyo 12 qof oo 9 ka mid ah ay yihiin saraakiil iyo saddex qof oo Shacab ah.

Saraakiisha booliiska ayaa loo haystaa inay ka hortagi waayeen weerarkan qarax ka hor intuusan dhicin.

Saddexda qof ee shacabka ah ayaa 2 ka mid ah ay yihin haween iyo nin, la sheegay in laga qabtey goobtii qaraxa.

Guud ahaan dalkaasi ayaa galey jahwareer markii qaraxa shaley lala beegsadey Isu soo bax uu ka hadlay Raysalwasaaraha dalkaasi Abiy Ahmed.

Waxaa hawada laga saarey dhowr TV oo gudaha ah waxaana dhacay howlgalo sugid amni ah.

Dhinaca kale Raysalwasaaraha dalkaasi Abiy Ahmed ayaa booqdey Isbitaalada la geeyey tobonaan dad ah oo dhaawacyo kala duwan qabo oo 15 ka mid ah ay liitaan.

Sidda ay xaqiijiyeen ilaha Ammaanka waxa sidoo kale xabsiga la dhigay taliye ku xigeenkii Ciidamada Booliska dalka Itoobiya.

Turkiga 24ka Juun 2018 Doorashada Turkiga oo ay cod bixinteeda maanta billaabmeyso Turkiga daqiiqado kaddib u dareeray cod bixinta doorashada dalkaasi ka dhaceyso ee laga soo hormariyey xilligeed, waxayna shacabka turkiga ay codbixinta ay maanta u dareerayaan ay ku dooranayaan madaxweynaha iyo xubnaha baarlamaanka ee dalkaasi.

Doorashadan maanta ay cod bixinteeda billaabmeyso ayaa la filayaa inuu loollan adag uu kala kulmo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, cod bixinta doorashadan si ka duwan doorashooyinki hore isaga oo xilka madaxtinimada soo hayey mudda 15 ka sano ah.

Wuxuuna sheegay haddii uu doorashadan ku guuleysto inuu meesha ka saarayo kursiga ra’isal wasaaraha taasooy mucaaradka ku tilmaameen mid dimuqraadiyadda wiiqeyso.

Musharraxa mucaaradka Muharrem Ince

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeer kadis ah ku tagay Dugsiga Tababarka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Janaraal Gordon ayaa sheegay in dowladdu ay dejisay qorsheyaal muhiim u ah dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida.

Muqdisho 24ka Juun 2018 Madaxweynaha waxa uu hadal u jeediyey Guutada 14-ka Oktoobar ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, isagoona ku bogaadiyey Saraakiisha Soomaaliyeed ee u istaagay in ay soo saaraan geesiyaal dhallinyaro ah oo ay ka go’antahay xoreeynta dalka iyo in ay shacabka Soomaaliyed ka dul qaadaan dhibaatada ay ku hayaan argagixisada Alshabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhiirri geliyey ciidankan oo dhawaan ku wajahan furimaha dagaalka, sida ay u ajiibeen baaqiisii ku saabsanaa difaaca dalka “Waxaan idin ku ammaanayaa in aad ajiibteen codsigaygii ku saabsanaa in la helo mutadawiciin ka qeyb qaata difaaca dalka, Waxaan rajeynayaa in aad noqotaan kuwii ka xoreeyn lahaa dalkan nabaddiidka caadeeystay in ay si arxan darro ah u daadiyaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed.”

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa kormeeray Xafiisyada ay ku shaqeeyaan talisyada kala duwan ee Guutada 14ka Oktoobar, kaydka saanadda iyo saheyda ciidanka, rugta caafimaadka ee dugsiga Janaraal Gordon iyo goobaha ay ku tababartaan ciidanku.

Kormeerkan waxaa Madaxweynaha ku wehliyey Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Mudane Xasan Cali, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Cabdiweli Jaamac Gorod, Taliye Ku Xigeennada iyo Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka

Muqdisho 24ka Juun 2018 Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa uga mahadceliyey Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hay’addaha Amniga iyo bulshada ku nool Caasimadda guulaha amniga ee laga gaaray sugidda amniga Muqdisho intii lagu jiray bishii barakaysnayd ee Ramadan.Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlayay kulan muhiim ah oo xarunta Dawladda Hoose ku dhex-maray Maamulka Gobolka Banaadir, Golaha Wasiirrada XFS iyo Hay’adaha amniga ayaa sheegay in wadashaqeynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya hay’adaha dawladda iyo bulshada Soomaaliyeed uu sababay in kooxaha argagixisada ay ku guul dareysteen falalkoodii waxashnimo ee la beegsan jireen shacabka Caasimadda.

“Shirkani waa mid ay ku kala warqaataan Maamulka Gobolka, Golaha Wasiirrada iyo saraakiisha amniga, ujeedkiisuna waa in la iskula xisaabtamo howlaha qaranka loo hayo, horeyna loo wado shaqada si guul looga gaaro amniga iyo sidoo kale in shacabka loo dhaweeyo dawladnimada, waxaan si gaar ah u xusayaa golaha Wasiirrada horteena fadhiya mid walba waxuu ku qoran yahay degmo kamid ah 17ka degmo ee Caasimadda oo warbixinta xaaladdooda u gudbiyaa Golaha uu ka tirsan yahay.”Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa warbixinno kala duwan oo la xiriiray guulaha laga gaaray dariseynta, isdhexgalka shacabka iyo maamulka, horumarinta kaabayaasha Caasimadda iyo habka ugu habboon ee looga hortagayo dhagarta cadowga laga dhageystay saraakiisha ammaanka iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka, waxaana la isla qiray muhiimadda ay dalka u leedahay xasilloonida Caasimadda maadaama dal walba lagu qiimeeyo daganaanshaha Caasimaddiisa.

Galkacyo 24ka Juun 2018 Rag hubeysan ayaa xalay waxay xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo ku dileen Hooyo iyo Gabadheeda, xilli ay fadhiyeen bannaanka kore ee gurigooda.

Sida ay goob joogayaal u sheegeen Dayniile raggan wax dilay ayaa rasaas ku furay Labadan qof, kadibna goobta ayeey ka baxsadeen.

Illaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysay in la dilo hooyadan iyo gabadheeda oo maacyadooda lagu soo kala koobay Safiyo iyo Nadiifo.

Ciidamada Puntland ayaa xalay illaa iyo saakay waxay howlgallo ka wadaan xaafadda Garsoor ee dilkaan uu ka dhacay.
Ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa maalmahan dambe ahaa mid kasoo hagaagayey sidii hore, iyadoo magaaladaasi ay si wadajir ah uga howlgalaan ciidamo Booliis ah oo isku dhaf ah, kana kala tirsan maamullada Puntland iyo Galmudug

Turkiga 24ka Juun 2018 Waxaa la tartamaya musharraxa isbahaysiga mucaaradka Muharrem Ince oo siyaasaddiisu tahay bidix dhexe. Xisbiga Erdogan AK wuxuu dadaal adag u galayaa sidi uu u hanan lahaa aqlabiyadda kuraasta baarlamaanka dalkaasi ayaa sheegay haddii uu kuraasta aqlabiyadda uu heli waayo qorshaha uu ku darsanayo sidi loo dhisi lahaa dowlad isbahaysi ah, balse ma sheegin xisbiga uu isbahaysiga la sameeysanayo.

Erdogan 2003 ayuu ra’isal wasaare noqday wuxuuna xilka sii hayey ilaa iyo 2014 oo madaxweynenima loo doorto.

Hoggaamiyaha dalka Jejnia Ramzan Kadyrov ayaa ku dhawaaqay in ciyaartooyda Liverpool Maxamed Saalax la siiyay jinsiyad sharafeed.

Salaax ayaa ku sugan dalka Ruushka, halkaas oo uu kaga qeybgalayo koobka kubadda adduunka, goobta tabobarkiisana waa magaalada Grozny ee caasimadda jamhuuriyadan Ruushka ka tirsan ee Jejnia.

Mar sii horeysay ayay kulmeen Salaax iyo Kadyrov oo lagu eedeeyay in uu ciyaartooyga u isticmaalayo ujeeddooyin siyaasadeed.

Kooxda Masar ayaa wajihi doonta Sucuudiga, waxaana la filayaa in ay usoo taloowdo is reebreebka qeyb ka mid ah.

Maamulka Puntland Iyo Galmudug 24ka Juun 2018 Gudoomiyeyaasha magaalada Gaalkacyo ee maamulada Puntland iyo Galmudug oo maanta Kormeer ku sameeyay Suuqyadda Magaalada Gaalkacyo ayaa Go’aamo adag kasoo saaray dhibaatada maalmihii lasoo dhaafay Shacabka Gaalkacyo ka heysatay diidmada lacagta Shilinga Soomaaliga.

Gudoomiyaha Gaalkacyo ee Galmudug Xirsi Yuusuf Barrre ayaa sheegay in ay saakay Kormeereen Suuqyadda Magaalada Gaalkcyo,islamarkaana ay amar ku bixiyeen in Ganacsatadda ay qaataan lacagta Shilinga Soomaaliga.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in aysan aqbali doonin dadka Shacabka in dhibaato loo geysto oo ganacsato ay lacagta ku dhibaateeyaan.

Sidoo kale Gudoomiyaha Magaalada Gaalkacyo ee Puntland Maxamuud Yaasiin Axmed Tumay ayaa dhankiisa sheegay in ay tahay nasiib daro in lacagta Shilinga Soomaaliga laga diido Gaalkacyo.

Waxaa uu sheegay Tumay in ay halis ku tahay arintaasi dadka danyarta ah ee kunool Gaalkacyo.

Waxaa uu sheegay in ay maxkamad keeni doonaan ciidii diida lacagta Shilinga Soomaaliga,islamarkaana dhammaan ay la hadleen Ganacsatadda Gaalkacyo.

Ganacsatadda Gaalkacyo ayaa shalay diiday qaadashadda lacagta Shilin Soomaaliga ka dib markii ay sheegeen in lacago Faaliso ah ay Magaalada soo galeen.

Muqdisho 24ka Juun 2018 Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa maanta Magaalada Baledweyne ee Caasimadda gobolka Hiiraan ka furay imtxiaanka Shihaadiga ah ee dugsiyadda Sare.

Ardayda maanta uu Wasiirku u furay Imtixaanka ayaa tiradooda waxa ay gaareysay 1400 oo arday ,kuwaasoo horay ugu baaqday imtixaankii dowladda dhexe ay qaaday.

Wasiirka ayaa ardayda kula dardaarmay in ay dadaal badan ay Muujiyaan,islamarkaana ay ilaaliyaan Nidaamka Imtixaanka.

Waxaa uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay nasiib u yeelatay in markii ugu horreysay dalka Gudihiisa Imtixaanka lagu diyaariyo, sidoo kale ay diyaariyaan dadka Soomaaliyeed.

Ardayda kunool Magaalada Baledweyne ayaa ka haray Imtixaanka Shihaadiga ahaa ee dugsiyadda Sare ee ay qaaday dowladda Soomaaliya ka dib markii Fatahaado badan ay ku dhufteen Magaaladaasi.

Maamulada dalka 24ka Juun 2018 Madaxda Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ayaa ka hor yimid hab-macaamilka gaarka ah ee deeqaha lagu siiyo maamulka Somaliland, iyagoo si buuxda ula saftay dowladda Federaalka Somalia oo dhowaan diiday in la cusbooneysiiyo habkii “Special arrangments” ee deeqadaha lagu siin jiray Somaliland.

Qoraal ay soo saareen Golaha Iskaashiga maamul Goboleedyada oo ay ku saxiixan yihiin shanta madaxweyne ee maamullada Puntland, Hirshabelle, Jubbaland, K/Galbeed iyo Galmudug ayaa loo diray beesha caalamka iyadoo lagu caddeeyay in nidaamka gaarka ah ee Somaliland loogu qoondeeyo deeqaha Soomaaliya ka dhaxeeya uu yahay mid halis ku ah qaranimada Somalia, isla markaana looga eexanayo maamullada kale ee dalka ka jira.

Qoraalka ayaa lagu cambaareeyay deeq bixiyayaasha qaarkood oo u ololeynayo inuu sii jiro nidaamka gaarka ahaa ee Somaliland u sed burinaya, waxaana looga digay in ka fiirsan doonaan ka sii mid ahaanshaha nidaamka deeq bixiyeyaasha.

Buundada Araare 24ka Juun 2018 Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta waxa ay la wareegeen degaanka Buunda Araare oo ka mid ah degaanada hoos yimaada Magaalada Jammaame ee gobolka Jubbadda Hoose.

Sidda ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ma jirin wax dagaal ah oo degaankaasi ka dhacay.

Ciidamada Ammaanka ayaa la sheegay in markii ay degaankaasi kusoo dhawaadeen in ay ka baxeen Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa hadda ku sugan degaan u dhow Buunda Araare oo maanta laga qabsaday.

WARARKA MAANTA 17ka Juun 2018 Sir Culus!

Su’aallaha maanta: Yaa warbixinta xaasaasiga ah siiya beesha caalamka? Muxuuse u kashifay sirta ugu daran Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Mudane Cawad? Maxaa ka jira inuu horay khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” ugu soo saxiixay heshiiska afarta dekked ee Ethiopia qabsan doonto markii uu tagay Addis Ababa? Maxuuse Xaasidka Bakhtiga ee xukumma Imaraadka u siiyey $ 3 bilyan Ethiopia ayagoo Soomaaliya oo quudin jirtay dhowr iyo afartan sanno ka hor aysan waxba u ogolayn inay siiyaan? Yaase maanta diidi kara inuu Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo “Been-Hawaas” wax dhexdhexaad ah ka ahayn arrimaha murugsan ee Carabta asagoo hadda caddaystay jaajuus iyo daba-dhilifnimada Ethiopia? Maxayse labada Guddoomiye ee aqalka Hoose Mudane Murshal Shiikh “Bakhti-Uroone” Iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi “Siil-Dhuuqe” uga aamusan yihiin sharci-darada iyo xad-gudubyada ay wadaan dowladdo farabadan oo shisheeye ah? Haddiise aysan waxba ka qaban karin arrimaha gudaha iyo siyaasadda dalka, maxay isku-casili layihiin? Yaa maanta waddani ah? Ma kheyraawe? Ma Farmaajo? Ma xildhibaannadda labada aqal ee laaluushka ku shaqeeya? Maxayse Ethiopia u samaysanaysaa ciidanka badda? Maxay rabtaa inay dhahdo waxaan badda Soomaaliya u ilaalinaynaa Ummadda Soomaaliyeed? Maxuuse Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo u xitaa waddooyinka Muqdisho asgaoo arrinta horay ugu eedeyey Madaxweynihii hore ee Damu0Jadiid Mudane Xassan Shiikh Maxamuud? Madaxweyne Xassanoow Xaal Qaado! Dowladda Khiyaano Qaran ayaa ka dartay Dowladdii Damu0Jadii!

Maraykanka 17ka Juun 2018 Mudo Saddex Cisho ah kadib waxaa Maanta dib loo furay Wadooyinka muhiimka ah ee Magalada Muqdisho oo isku-socodka dadka iyo Gaadiidka kala xirnaa balse Maanta dib loo furay.

Wadada Maka Al-Mukarama oo ka mid ahaa Wadooyinkii ugu adkaa in Gaadiidka isticmaalo ayaa saakay gebi ahaan furan,waxana isticmaalaya gaadiidka noocyadiisa kala duwan iyo midka dadweynaha ee Bii’elka.

Goobaha qaar ee Wadooyinka ayaa ciidamadu gaadiidka u diidayaan,iyaga oo u shegaya in weli asyan amar u heysan in gaadiidku ay maraan,sidoo kale waxaa weli dhagxaan waaweyn ay ku xiran yihiin Wadooyinka loo yaqaano jid cadayaasha.

Labadii Maalmood ee ciidul fidriga ayaa dadka muqdisho waxa ay ka cabanayeen xirnaanshaha wadooyinka,waxana ugu adkeyd shalay oo uu muqdisho soo gaarey ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Sikastaba laamaha amniga Soomaaliya ayaa intii lagu guda ajiray bisha barakeysan ee Ramadaan waxa ay ku guuleysteen in ay inta badan xaqiijiyaan amniga Magalada Muqdisho,iyaga oo sameynayey baaritaano gaadiidka iyo dadweynaha ah intaba.

Muqdisho Axad Juun 17, 2018 Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cawad oo war qoraal ah oo sir u kala diray beesha caalamka asagoo sheegay inuu Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre Iyo Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ay yihiin hor u socodka arrimaha musuqmaasuqa asagoo sheegay inay xitaa shaqaale ka dhigeen rag horay jaggooyin sar-sare uga soo qabta Ururka Argagixisadda Al-Shabaab inay madax sar-sare ka yihiin laamaha amniga iyo laamaha kale ee dowladda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cawad oo horay wax uga qoray warbixino xasaasi ah oo maalmo kadib ah ay si deg deg ah u daabacday Hay’addaha ka faalooda musuqmaasuqa adduunka sida Transparency International.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cawad oo warbixintiisa ku shaaciyey inay Dowladda Ethiopia ay si fiican u soo weerarto Soomaaliya si ay dekkaddaha iyo kheyraadkeeda la wareegto mustaqbalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cawad oo shacabka Soomaaliyeed u sheegaya inaysan raggan rabin inay wax dowlad madaxbannaan ka dhalan Soomaaliya ayagoo si hoose ugala shaqeeyey dalka Imaaraadka inay si fudud ula wareegto dhowr dekkaddood.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cawad waxaan u sheegayaa inay shacabka Soomaaliyeed iska qabtaan dowlad Soomaaliya ee waddanka halista gelisay isla-markaasna rabta haddii wax la qaban waayo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cawad oo si fiican u kashifay ayaa sidoo kale waxuu warqad u diyar fariin inay Ummadda Soomaaliyeed iska-difaacaan cadowga gudaha iyo dibaddaba.

Soomaaliyeey kaca oo iska difaaca inta aan waddankiina la idin ku dul qabsan!

Spain Axad Juun 17, 2018 Muhaajiriinta uu soo samatabixiyay markabka Aquarius In ka badan lix kun oo qof oo muhaajiriin ah oo toddobaad ka hor laga soo samatabixiyay badda mediteraniyanka ayaa lagu wadaa inay gaaraan dalka Spain saacadaha soo socda.

Markabka soo samatabixiyay muhaajriintaan ee Aquwaariyaas ayaa waxaa uu muran badan ka taagnaa halka uu ku xiranayo iyada oo dalalka Talyaaniga iyo Malta ay diideen inuu kusoo xirtaan dalalkooda.

Qaar ka mid ah muhaajiriinta oo intooda badan kasoo jeeda dalalka Africa ayaa lagu soo daadgureeyay labo Markab oo gudaha bada ugu tagaya markabkaasi oo ku suganaa dekadda Valancia ee Spain.

Xukuumada cusub ee Spain ayaa u balan qaaday caafimaad bilaash ah inay siineyso qaxootigan, waxa ayna sheegtay inay baaritaan ku sameyneyso xaalada muhaajiriintan magangalya doonka ah.

Ra’isal wasaaraha cusub ee Spain ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay labo toddobaad ka hor waxa uu qaatay mowqif uu kusoo dhaweeyay qaxootiga.

Boorar waaweyn oo ay ku qoran yihin luqada kala duwan ayaa lagu soo dhaweynayaa muhaajiriintaan, iyada oo boqolaal booliis ah, saraakiisha caafimaadka iyo tarjumaano ay ku diyaarsan yihiin xeebta.

Dalka Farasiiska ayaa dhankiisa ku yaboohay inuu qaadanayo qaar ka mid ah muhaajiriinta

Afgabistan Axad Juun 17, 2018 Inta la xaqiijiyay 25 qof ayaa ku dhimatay bariga Afghanistan kadib markii qarax ismiidaamin ah lagu qaaday meel ay ciidamada dowladda joogeen.

Weerarkaasi ayaa waxa sidoo kale ku dhaawacmay ku dhawaad 40 oo kale.
Kooxda Taliban ayaa muddo inta lagu jiro Ciidda hakisay dagaalka ay kula jiro dowladda, waxayna shacabka fursada usiisey inay si nabad galyo ah u ciidaan, balse weerarkan ayaa waxa masuuliyaddiisa sheegtay kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga ah.

Ilo dhinaca ammaanka ah ayaa sheegey in dadka waxyeellada weerarkaasi ka soo gaartay ay isugu jiraan ciidamada Afghanistaan, maleeshiyaadka Talibaan iyo dad rayid ah oo farxadda ciidda u dabaal degayay.

Afhayeen u hadlay dowladda, Attaullah Khogyani, ayaa sheegey in weerarka uu ka dhacay duleedka Jalabalad, xarrunta gobolka Nangarhar.

Maamulka Puntland Axad Juun 17, 2018 Wararka naga soo gaaraya Buuraha Galgala ee gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi howlgallo kala duwan ay ka waddaan ciidamada maamulka Puntland.

Howlgalladdaan ayaa loogu tala galay in looga hortaggo Weeraro Al-Shabaab ay kusoo qaadaan gobolka Bari.

Meelaha ay howlgalladda ka socdaan ayaa waxaa ka mid ah degaanada hoos yimaada degaanka Balikhadar oo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada Ammaanka maamulka Puntland.

Shabaab ayaa dhowr jeer Weeraro Khasaare badan dhaliyay ku qaaday Saldhigyadda Ciidamada Puntland ee gobolka Bari, waxaana weerarkii ugu dambeeyay uu ka dhacay Saldhigga ciidamada Puntland ee Bali Khadar.

Kenya Axad Juun 17, 2018 Dowladda Kenya ayaa waxa ay sheegtay in ay waddo dadaallo ku aadan in dib loo celiyo Macalimiinta dugsiyadda Waxbarashadda ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Macalliinta ayaa markii hore ka cararay Weeraro joogto ah oo ay kala kulmaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Maamulka Waxbarashadda gobolka Waqooyi Bari ayaa waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in dowladda dhexe ay qeyb ka qaato in dib degaanadii ay ka carareen loogu celiyo barayaasha.

Waxaa ay sidoo kale sheegeen hadii loo soo celiyo in ay u diyaariyeen ciidamo loogu tala galay in ay suggaan Ammaankooda.

Gobolka waqooyi bari ee Kenya ayaa cabsidda ka jirtaa, ay sababtay in iskuulada xaadiri waayaan macalimiinta aan Soomaalida ahayn ee wax ka dhigayey iskuulada.

Shabaab ayaa dhowr jeer weeraro la beegsaday Dugsiyo ku yaalla degaano hoos yimaada Magaalada Mandera, waxaana halkaasi ay ku dileen Macalimiin.

Koonfur Afrika Axad Juun 17, 2018 Muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa xalay lagu dilay degaan ku dhow Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika sidda ay xaqiijiyeen Ganacsatadda Soomaaliyeed ee dalkaasi kunool.

Kooxo burcad ah ayaa la sheegay in weerar ku qaadeen labo nin oo Ganacsato ah,kuwaasoo ku sugnaa Iridda dukaankooda, waxaana la sheegay midna in ay dileen midna dhaawaceen.

Ninka dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdulaahi Maxamuud Maxamed halka uu dhaawac culus soo gaaray Maxamed Ismaaciil.

Allaha u naxariistee dilka Muwaadiniintaan ayaa qeyb ka ah ugaarsiga xargaha goostay ee had iyo jeer lagu naf-gooyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee South Africa u soo nolol iyo shaqo tagay.

Inta badan dillalka ka dhaca Koonfur Afrika ayaa waxaa loo geystaa Soomaalida ku nool dalkaasi, kuwaasi oo ganacsiyo kala duwan leh, dableyda dilalka geysata ayaanan inta badan suuragelin in gacanta lagu soo dhigo.

Muqdisho Axad Juun 17, 2018 Khaladaad kala duwan ayaa ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo si la mid ah gudaha madaxtooyada “Villa Somalia” intii lagu guda jiray qaabilidda Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo booqasho gaaban oo rasmi ah ku yimid dalka.

Haddaba waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa khaladaadkii hannaanka hab maamuuska ee la hareer maray:-

1- iyadoo la dhowrayo xilka, heybadda iyo hab maamuuska qaranka ee Madaxweynaha JFS waxaa haboon in laga soo kaxeeyo Madaxweynaha qolka nasiinada VIP-da garoonka kadib marka diyaaradda wafdiga ay istaagto barta loo asteeyay, hayeeshee Madaxweynaha ayaa maanta cadceedda la istaajiyay muddo shan daqiiqo kahor soo caga dhigashada diyaaradda.

2- Marka la fidinayo rooga cas ee loogu tala galay in ay madaxdu kudul socoto, lama wada fidiyo oo waxaa la reebaa qeybta loogu tala galay in lagu fidiyo ilaa jaranjarada diyaaradda iyadoo lala meel dhigayo saraakiisha qaabilsan hagida diyaaradda Iyo goobta ay istaageyso si looga hortago in madaxdu ku lugeeyaan meel aanan roogga ku fidsaneen, waxaana la arkayay maanta Madaxweynaha iyo martidiisa oo ku soconaya meel aan roog oolin, waxaase ka sii darnaa saraakiil iyo ilaalo ku dul soconayay roogga guduudan.

3- Xilliga madax shisheeye booqasho rasmi ah ay ku imaanayaan dalka, waxaa habka marti soorka ka mas’uul ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyada ayaa u sii xulata hey’adaha qaran ee kala shaqeynaya waa haddii ay u baahato maamul degmo ama gobol, iyada oo Agaasimaha hab maamuuska Madaxtooyada ku shaqaynayo xilka Agaasime kuxigeenka habmaamuuska qaran ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, si la mid ah Safiirka Soomaaliya ee dalka wafdiga ka imaanaya waxa uu talooyinkiisa iyo xogtiisa la wadaagayaa Wasiirka, Wasiiru dowlaha, Wasiir kuxigeenka, Xoghayaha joogtada, Waaxda, talo gelin wuxuu siinayaa Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha.

Khaladkii ugu weynaa ee maanta dhacay waxa uu ahaa in Wasiirada Arrimaha Dibadda, iyo Xoghayaha joogtada Wasaaraddaasi laga waayay garoonka diyaaradaha iyo kulankii Madaxtooyada ku qabsoomay, waxaana layaabku ahaa in Safiirka Itoobiya ee Muqdisho uu ka soo dejiyay Ra’iisul wasaarihiisa diyaaradda, halka howshaas uu lahaa Agaasimaha ama Agaasime kuxigeenka habmaamuuska Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

4- Marka uu mas’uul ka soo dago diyaaradda waa in sarkaal sare oo hab-maamuus ah u diyaarsanaadaa galbinta baaqiga wafdiga jiraa oo ukaxeeya halka ay safka salaanta ka leeyihiin si mid mid loogu baro madaxweynaha martida loo yahay, hayeeshee taasi maanta ma dhicin.

5- Xilliga salaan qaadashada oo ay madaxdu masraxa saarantahay waa in aanan loo dhaxeynin madaxda Iyo ciidamada salaanta bixinaaya taa oo aanan dhicin lana arkayay Sawir qaadayaal iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada oo buux dhaafiyay inta u dhexeysa ciidamada Iyo madaxda salaanta qaadanayay.

6- Waa in calamada salaanta lagu bixinayo oo ay kor u sidaan ciidamada uusan farqi dheeri ah u dhexeynin ama midkood sharaxaad dheeri ah wadanin, waxaana la arkayay in calanka Soomaaliya lahaa taraash ama farqa farqo dheeri ku ah calanka.

7- Marka ay dhammaato garaacista astaanta labada dal, wuxuu sarkaalka salaan bixiyaha ku casuumaa madaxda in uu mariyo horaanta ciidanka u heeganta ah salaantooda, isagoo soo horkaca madaxda, waxaana qaab socodka iska leh sarkaalka salaanta bixiyay oo ay tahay in la daba kaco talaabadiisa ay la jaanqaadeyso muusikada ciidanka garaacayaan, balse waxaa dhacday in isagiiba laga tallaabo dheereeyay, lagana hormaro oo ay ilaaladi madaxda sii jiiraan.

8- Gaariga lagu galbinaayo mas’uulka martida waxaa dhanka midig looga xiraa calanka dowladiisa, wuxuuna gaariga ka fariistaa dhanka midig, maadaama uu isaga martida qaran yahay waxaase dhacday in gaariga la saaray calanka looga xiray dhanka bidix taa oo ka sii turjumeysa in gaarigana dhanka bidix laga fariisiyay masuulki martida ahaa.

9- Waxaa caado hab maamuus iyo qaddarin ah in Marka mas’uulka martida uu wax u baahdo u sheegto ama ka fasax qaato marti galiyaha oo ah Madaxweynaha taasoo dhacday xilligi uu socday shirka jaraa’id ee labada masuul in Raisul-wasaaraha Ethiopia u baahday in uu xirto ookiyaalihiisa madow ee qoraxda, wuxuuna fasax weydiistay sida caadada ah madaxweynaha isagoo ku yiri (May I use my sun glasses is that ok?) madaxweynuhuna wuxuu ku jawaabay (sure sure) oo micnaheedu yahay ogolaansho balse ilbiriqsi gudihiis ayuu Madaxweynaha isku badalay kuna yiri (Oh no no) Alla maya maya taa oo yaxyax iyo amakaag ku reebtay mas’uulkii martida ahaa.

10- Waxaa kaloo saraakiisha hab maamuuska ahayd inay Madaxweynaha xusuusiyaan halka uu istaaga ka leeyahay goobta shirka jaraa’id isagoo qaatay booska midig ee uu lahaa mas’uulka martida ah, ayna calamadii u kala badalmeen, iyadoo marki dambe saraakiisha hab maamuuska Ethiopia saxeen calamada intii uu socday shirka jaraa’id.

11- Xilligi uu dhammaaday shirka jaraaid oo ay madaxduna sii xarooneysay waxaa muuqanayay Ra’iisul wasaaraha iyo xubno golaha wasiirada oo kasoo baxay dhanka saxaafadda taagneed una sii gudbaya Aqalka Madaxweynaha taasoo aanan ku habooneyn hab maamuuska hadeysan meeshu ahayn xaflad howl la fadhiyo sida in meesha lagu wada cunteeyay.

12- Sida caadada ah marka ay madaxdu shir jaraa’id qabtaan qudhooda ma aha ama kuma jirto xeer ka hab maamuuska in isla goobti afhayeen, Agaasime ama cidkale shir jaraa’id kale ka daba qabato, waayo waxaa macna beelaya hadalki madaxda oo u ekaanayo in wixi ay afkooda ka sheegeen uusan rasmi ahayn ee laqaato midka Afhayeenka ee warqada ku qoran, hadiise laga maarmi waayo war saxaafadeedka “Communique” waxaa haboon in qoraal ahaan saxaafadda loogu gudbiyo oo aanan meesha laga akhrin.

13- Haddii Mas’uulka martida ay tahay booqashadiisa rasmiga tii ugu horreysay ee uu dalka ku yimaado kaddib doorashadiisa waxaa haboon in isla Madaxweynaha ku sii sogootiyo garoonka, wuxuuse u xilsaaran karaa Ra’iisul wasaaraha waa haddii soo dhoweyntii hore uusan Madaxweynaha tagin garoonka, xaflada rasmigana ama salaan qaadashada ay ka dhacday gudaha Madaxtooyada, sidoo kale Madaxweynaha wuxuu wakiilan karaa Ra’iisul wasaaraha waa haddii loo baahdo.

Maamulka Galmudug Axad Juun 17, 2018 Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa lagu waddaa in Saacaddaha soo socda in uu ku dhawaaqo Gole Wasiiro sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa lagu waddaa in uu Magaalada Dhuusamareeb uu kaga dhawaaqo Gole Wasiiro oo ay kasoo dhex muuqan doonaan Xubno ka tirsan maamulkii Ahlusunna ee Galmudug raacay.

Xaaf ayaa soo gabagabeeyay Wadatashiyo uu maalmihii lasoo dhaafay la sameynaayay Qeybaha kala duwan ee Bulshadda ee kasoo jeedda degaanada Galmudug.

Wasiiro horay uga tirsanaa Xukuumadda Xaaf ay dib usoo laaban doona, sidda Maaliyadda, Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Dekeddaha iyo Saadaasha Hawadda.

Waxaa sidoo kale dhanka Ahlusunna ka imaan doona sidda ay Dayniile u xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, Amniga, Waxbarashadda iyo Caddaaladda.

Muqdisho Axad Juun 17, 2018 Kadib kulan muhiim ah oo maanta muqdisho ay ku yeesheen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdigii uu hoggaaminayay raiisul Wasaaraha Itoobiya ayaa waxaa lagu heshiiyay ilaa 16 qodob oo muhiim u ah xoojinta iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya wadamada Soomaaliya iyo Itoobiya.

1.Hoggaamiyaasha labada dhinac waxay ka wada hadleen arrimo badan oo quseeya labada dal,Gobolka iyo guud ahaan caalamka,intii kulankoodi u usocday ayaa labad mas’uull waxay dib u soo cusboonaysiiyeen balanqaadyadii ahaa xoojinta xiriirka ku dhisan walaltinimo,dhaqanka,derisnimada iyo istixgelinta labada dal.

2.Waxaa lagu heshisyay in dib loo soo cusboonaysiiyo xoojinta xiriirka ku dhisan wadasheynta guud,xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya iyo iyadoo la dhowrayo madax banaanida labada dhinac.

3.Labada mas’uul waxay soo dhaweeyeen dhismaha guddi ka shaqeeya iskashiga labada dal oo horey loogu heshiiyay,kaasi oo ah heer wasiiro,kaasi oo ka shaqeyndoona horumarinta ilaaqaadka diblomaasiyadeed iyo midka ganacsi ee labada dhinacaba leh.

4.Sidoo kale hirgelinta xafiisyo diblomaasiyadeed iyo qunsuliyado ay labada dowladood si is dhaafsi ah uga sameynayaan magaalooyinka gobolada dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya,fududeynta isdhexgalka bulshada sida socdaalka,gaar ahaan dhinacyada waxbarashada,ganacsiga,dhaqanka.

5.Waxaa la isla gartay muhiimadda iskaashiga horumarinta dhaqaalaha,iyadoo loo marayo maalgashi lagu sameysto labada dal,iyadoo hadafka uu yahay sidii barwaaqo loo gaari lahaa labada dal iyo guud ahaan qaaradda Afrika ugu dambeyntii.

6.Waxaa lagu heshiyay in meesha laga saaro aqabadaha ku horgudban horumarinta ganacsiga iyo dhaqaalaha labada dal,si loo xaqiijiyo sugnaanta isdhexgalka dhinaca dhaqaalaha iyo in laga kala faa’idaysto awooda wax soo saar ee dadka,sidoo kale horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha sida Dekedaha,waddooyinka.

7.Qodobka todobaad oo la isla soo hadal qaaday ayaa waxaa kamid ah dhiirogelinta maalgaashiga,gaar ahaan ilaa 4 dekedood,waxaa ay isku raaceen in si wada jir ah loo maalgashado ilaa afardekadood oo muhiim ah oo kuyaala Soomaaliya,dhismaha waddooyinka isku xira Soomaaliya iyo Itoobiya,waxaana la dhisidoonaa guddi farsamo oo ka shaqeeya hirgelinta qodobada lagu heshiyay.

8.In laga faa’idaysto awooda iyo fursadaha dhaqaale ee xagga suuqa,iyadoo la sameynayo maalgelin shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay,taasi oo hadafkeedi uu yahay in fursado shaqo loo abuuro bulshooyinka labada dhinac.

http://wargeyskadalka.com/

WARARKA MAANTA 16ka Juun 2018 Sir Culus!

Su’aallaha maanta: Maxay tahay sababta uu Raysal Wasaaraha Ethiopia Mudane Abiya u yimid Muqdisho? Yaa maanta qarin kara inuu si qarsoodi au wax uga soo saxiixay heshiiskii Berbera Khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xasssan Cali Kheyre “Bakhti-Raam_Sade” asagoo uu arrinkan la ogaa Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo “Been-Hawaas” si ay u helaan lacag badan? Marka Ummadda Soomaaliyeed ha ogaato inay maanta wixii ka dembeeya ay dadkii ay umaleynaayeen waddaniyiinka inay yihiin jaajuusiin xabashida daba-dhilif u ah oo ay hadda beesha caalamka diiday inay wax dhaqaallo ah siiiso sababo la xiriira musuqmaasuqa baahsan ee dalka ka dhex jira oo ay wadaan Xafiiska Raysal Wasaaraha Iyo Xafiiska Madaxweynaha? Maxuuse yahat sababta ay rabto inay Ciidamo badda ah u samaysto Ethiopia ayadoo lahayn bad? Yaa maanta fiican madaxweynihii hore ee Damu-Jadiid Mudane Xassan Shiikh Maxamuud Iyo Madaxweynaha manta haya talada dalka Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo “Been-Hawaas” oo ah ninka ugu jecel inuu Ethiopiaa u noqdo daba-dhilif oo wax ka ogaa dhiibitaankii Taliye Cabdikariim Shiikh Muuse “Qalbi-Dhagax” sida uu xaqiiyey asaga oo ku raacay Guddiggii Golaha Shacabka ee arrintaas baaray? Maxayse tahay sababta dacwadii badda Soomaaliya dib loogu soo celin doono inay ka wada hadlaan dowladda Kenya Iyo Soomaaliya si aysan dacwadaas u sii wadin Maxkammadda Caalamiga?

Maraykanka 16ka Juun 2018 Warbixintii aadka looga war dhawrayay ee waaxda caddaaladda ee dalka Maraykanka ayaa madaxii hore ee hay’adda dambibaarista FBI James Comey ku eedaysay in uu “garab maray caadadii” balse uusan eex siyaasadeed samaynin.

Michael Horowitz oo ah masuul ka tirsan waaxda caddaaladda ayaa sheegay “in uu si wayn u jabiyay caadooyinkii hay’adda dambi baarista ee FBI iyo waaxda caddaaladda” wakhtigii uu baaritaanka ku hayay email-ladii Hillary Clinton.

Clinton ayaa Comey ku eedaysay in uu masuul ka ahaa guuldarradii ka soo gaartay doorashadii uu Trump ku guulaystay 2016ka.

Warbixinta ayaa sidoo kale muujisay in Comey uu adeegsaday email-kiisa khaaska ah isaga shaqooyika FBI-da qabanaya.

Madaxa hay’adda FBI ayaa sheegay in uu aqbalay xogta warbixinta ku qoran balse wuxuu intaas ku daray in aysan ku jirin wax tilmaamaya in uu sameeyay eex ama wax su’aal galinaya FBI-da.

Horowitz ayaa dhaliilay go’aankii Comey ku shaaciyay in uu dib u furay baaritaankii email-lada ee Clinton toddobaad uun ka hor doorashadii madaxweynenimada ee Maraykanka.

Wuxuuna diiday doodda Comey ee ahayd in uu arrintaas u sameeyay hufnaan darteed.

Maraykanka 16ka Juun 2018 Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in illaa iyo 2 kun oo caruur ah waalidiintooda looga qaaday iyaga oo si sharci daro ah kusoo talaabayay xadka u dhaxeeya Maraykanka iyo Mexico intii u dhaxaysay bishii April iyo May kadib markii ay dhaqangaleen shuruucda adag ee xagga socdaalka ee madaxweyne Trump.

Waalidiinta ayaa lagu soo oogay fal dacwad dambiyeed ah, halka carruurta la geynayo goobo lagu xanaaneeyo inta arrintooda la xalinayo.

Arrintan oo buuq weyn ka dhalisay Maraykanka ayaa waxaa ka hadashay Qaramada Midoobay oo dowladda dalkaas ugu baaqday in aysan kala soocin waalidka iyo caruurta wada socda.

Siyaasadan ayaa si weyn loo dhaliilay, iyada oo dimoqaraadiyiinta ay ku tilmaameen hirgalinteeda waxashnimo , waxaana qaar ka mid ah xisbiga republicanka ay ku baaqeen in si degdeg ah loo soo afjaro hirgalinta siyaasadan.

Inta bada caruurta ayaa hoy laga siiyay gobolka Texas, si dhaqsa ah ayuuna u buux samay hoygaasi.

Magaalo cusub oo loogu magacdaray hoygooda ayaa laga dhisayaa xadka Texas uu la leeyhaya Mexico taasi oo u dhaw magaalada Elpaso.

Ugu yaraan 300 oo caruuur ah ayaa la filayaa in la dejiyo guryahaasi maalmaha soo socda.

Madaxweyne Trump oo kula hadlayay aqalka cad weriyayaasha ayaa sheegay inuu kasoo horjeedo siyaasda kala fogeynta caruurta iyo waalidkooda, waxa uuna ku eedeeyay dadka kasoo horjeeda inay diidan yihiin isbadelka lagu sameyanyo sharciga socdaalka.

Paris 16ka Juun 2018 Maamulka magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayaa shaaca ka rogey qorshe taallada caanka ah ee Eiffel looga dhisayo gidaar muraayad ka samaysan oo lagu xeendaabayo si looga hortago weerarada argagixiso ee halkaas ka dhaca.

Taaladan ayaa waxaa maalin kasta isugu taga dad aad u badan oo qaarkood ay dalxiisayaal yihiin, waxaana dhacday in weerar loo adeegsaday baabuur uu halkaas ka dhacay.

Dad gaaraya 240 qof ayaa ku dhimatay weeraro ka dhacay Faransiiska laga soo bilaabo sanadkii 2015-kii.

Qorshahan ayaa waxa uu ku kacayaa lacag dhan $40 milyan oo doolar, waxaana la sheegay in darbiga uu noqon doono mid aad u adag oo aysan sahlanayn in la jabiyo.

Muqdisho 16ka Juun 2018 Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in ay sii soconayaan qorshayaasha amniga caasimada lagu sugayo ee la dejiyay bisha Ramadaan.

Waxa uu shacabka Soomaaliyeed ka codsaday iney dulqaad muujiyaan Xukuumada Soomaaliya ay diyaar u tahay iney amniga shacabka sugto.

Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay in 12 bilood ee soo socda ay rajeynayaan in wax badan ay iska badalaan.

Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in ciidamada amaanka iyo saraakiishooda ay kula dardaarmeyn sidii ay ugu shaqeyn lahaayeen wada shaqeyn dhex marta shacabka iyo ciidamada.

Waxa uu tilmaamay in shacabka loogu baahan yahay iney u dulqaataan xerista wadooyinka muqdisho inta dowladda soomaaliya ay ka shaqeyneyso sugida amniga caasimada.

Xasan Cali Khayre Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa hadalkaan ka sheegay ka dib kulan xalay ka dhacay Xarunta Jeneraal Kaahiye oo uu la yeeshay saraakiisha hay addaha amaanka ee dowladda.

Muqdisho 16ka Juun 2018 Waxaa lagu waddaa saacaddaha soo socda in ay Magaalada Muqdisho soo gaaraan Wafdi ballaaran oo ka socda dowladda Itoobiya.

Calamada Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa lagu sharaxay Wadada Makah Al-Mukaramah, waxaana si weyn loo adkeeyay Ammaaanka Muqdisho.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Magaalada Muqdisho uu kusoo wajahan yahay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, waxaana lagu waddaa in soo dhaweyn loogu sameeyo Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Ammaanka ayaa xataa diiday in la furo Al-baabada dumaamada iyo Maqaayaddaha ku yaalla Wadada Makah Al-mukaramah.

Muqdisho 16ka Juun 2018 Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax miino ka dhacay magaalada oo sababay qasaare.

Qaraxan oo ahaa miino ayaa ka dhacay degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho, waxaana la xaqiijiyey inuu ku dhintay hal askari, iyadoo ay halkaasi gaareen ciidamada amniga oo si weyn u adkeeyay amniga caasimadda.

Shilkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee maanta oo ahayd maalintii koowaad ee Ciidul fitriga laga soo weriyo magaalada oo xiran inta badan wadooyinka muhiimka ah, taasoo ay cabasho ka muujiyeen dadweynaha.

Dayniile ayaa ah degmada u shisheysa magaalada oo dacalka ku heysa Gobolka Sh/hoose, iyadoo magaalada inteeda kale ay gacan bir ah ugu jirto ciidamada amniga caasimadda ee dhowaan la sameeyay.

Muqdisho 16ka Juun 2018 Qaar ka mid Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa saakay xiran, iyadoona Amniga Magaalada ay si weyn u adkeeyeen ciidamada Ammaanka.

Isgoyska Tarabuunka, Isgoyska Banaadir iyo howlwadaag ayaa xiran iyadoona halkaasi lagu daadiyay ciidamo dheeraad ah.

Qaar ka mid ah Shacabka Muqdisho ayaa Risaala u sheegay in sidoo kale maanta xiran yahay Jidka Makah Almukaramah.
Waxaa sidoo kale Howlgallo ka socdaan qaar ka mid ah degmooyinka Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Ammaanka ayaa maanta si ka duwan sidii hore gaadiidka u baaraya.

Muqdisho 16ka Juun 2018 Janaraal Maxamuud Maxamed Xasan Qaafow oo ka mid ah saraakiisha Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed wuxu  beeniyay eedeymo isaga iyo saraakiil kale oo ka tirsan milatariga Soomaaliya ay u jeediyeen qaar ka mid ah muruqmaalka ka xamaasha Kawaada Kawaan Bari ee degmada Cabdicasiis.

Taliye Qaafow ayaa sheegay in eedeymaha loo jeediyay ee la xariira barakicin iyo dhul boob la sheegay in lagu hayo Kaawadaasi ayaa been abuur ku tilmaamay wararkaasi.

Waxaana uu xusay in la doonayo kaliya in la dhaawaco sharafta qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka Xooga Soomaaliyeed.

Muqdisho 16ka Juun 2018 Shirka arrimaha Soomaaliya ee Belgium-ka, oo lagu wado inuu 25 ama 26-ka June ka furmo Brussels, ayaa waxaa ka qeybgali doona dhamaan madaxda maamuladda.

Shirkaan ayaa daba socda mid uu bishii lasoo dhaafay Brussels uga soo qeybgalay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, kaasoo diiradda lagu saaray amaanka Soomaaliya, bixitaanka AMISOM iyo dib u dhiska ciidanka xooga Soomaaliya.

Illo xog ogaal ah, ayaa sheegay in Khayre ay dowladaha Beesha Caalamka ku wargeliyeen inay muhiim tahay in qorshaha Amniga Soomaaliya uu noqdo mid loo dhan yahay, oo Madaxda maamulada iyo dowladda Federaalka ay ku raacsan yihiin.

Wararka ayaa sheegaya in intii uu socday shirkii Baydhabo ay isku deyday xukuumada FS inay ku qanciso madaxda maamulada, laakiin ay ku raaci waayeen fekerkaasi, kadibna la isla meel dhigay in si wadajir ah looga wada qeybgalo shirka Brussels.

Madaxda dowladda Federaalka ayaa ogolaaday dalabkaas, waxayna noqoneysaa markii labaad oo madaxda maamulada dalka ku wehliyaa dowladda hadda jirta shir dibada ka dhacaya kadib midkii ka dhacay Ingiriiska sanadkii hore.

Tan iyo markii la doortey Farmaajo bishii Febuary 8, 2017, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka shaqeynayay in dowladda Dhexe ay dalka ku matasho shirarka dibadda ee arrimaha Soomaaliya looga hadlayo. Lama oga hadda waxa isbedelay.

Kawada qeyb-galka Shirka Brussels ayaa ka dhigan in wax isbedal ah uusan ku imaan siyaasadihi hore ee madaxda maamullada ku wehliyaan kuwa dowladda Federaalka shirarka caalamiga ah.

Dalalka dhaqaalaha ku bixiya dhismaha ciidanka xoogda dalka Soomaaliyeed ayaa waxay ka muujiyeen niyad jab wayn, sida hadda u socdaan howlaha dhisitaanka ciidanka xooga Soomaaliyeed, iyagoo ka “aaminaad baxay”.

Saaxiibadda Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayaa shaki gelinaya sida ciidamada xoogga dalka ugu guuleysan karaan amniga, xilli ay soo baxayaan eedeymo Mareykanka u jeediyay oo ah la musuq-maasuqo deeqaha dhaqaale ee Ciidanka.

Shirka Brussels hadda laga sugayo hogaamiyaasha Soomaaliya oo dhan iyo qorsho ay ku mideysan yihiin, iyadoo Dowladda Federaalka ka shaqeynaysay in deeqbixiyaasha ay u gacan-geliyaan dhaqaalaha ay ugu tala-galeen qorshaha amniga dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa todobaadkan warqadihii aqoonsiga safiirnimo ka gudoomay Safiir cusub oo dowladda Belgium usoo magacawday Soomaaliya.

https://www.youtube.com/watch?v=hvnpZwoe4rI

 

http://wargeyskadalka.com/wararka/

 

WARARKA MAANTA 13ka Juun 2018 Sir Culus!

Su’aallaha maanta: Maxay Idil Cabdilaahi Farmaajo ay Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo “Been-Hawaas” ay u kashifty khiyaanooyin iyo heshiisyada qarsoodiga ee uu soo saxiixay Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo “Been-Hawaas” ? Maxuuse Agaasimaha Madaxtooyadda Mr. Fahad Yaasin shaqada uga cayriyey dadka u dhashay beelaha Abgaal Iyo Habargidir? Maxuu khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” uu ugu hanjabay shaqaalaha warfaafinta ee diiday inay qariyaan khiyaanooyinkiisa iyo heshiisyada uu si hoose ugu soo saxiiixay? Yaa maanta runta qarin kara cidii ka dembaysay dilkii xoghaye Awees oo shaqadii Madaxtooyadda looga cayriyey markii uu kashifay khiyaanada iyo liiska shaqo ka cayrinta dadka ka mid ah shaqaalaha Madaxtooyadda Soomaaliya? Maxayse rabaan beesha caalamka hadii ay muddo hal sanno iyo dhowr bilood siin waayeen wax dhaqaallo ah? Yaase dhaqaallo siiya Ururka Argagixisada Al-Shabaab? Meeqo nin oo horay u soo ahaan jirtay saraakiil sar-sare ayaa hadda hoggaamiyaal sar-sare ka ah laamaha amniga Soomaaliyeed? Yaa maanta runta qarin kara? Yaa Muqdishi ku dilaya dadka? Maxuuse yahay qorshaha cusub ee Agaasimaha Madaxtooyadda Mr. Fahad Yasiin oo xiriir dhow la leh Ururka Argagixisadda Al-Shabaab sida ay horayba u shaaciyeen beesha caalamka? Maxuu qaban karaa Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo “Been-Hawaas” oo xali waayey arrimaha qoyskiisa? Maxuuse qaban karaa Khaa’inul waddan Raysal Wasaare Xassan Cali Kheyre Iyo Jaajuus Raysal Wasaare Mudane Mahdi Khadar oo si xeelladaysan uga shaqaynaaya Ethiopia oo uu horayba ugu shaqayn jiray asagoo hawlo kala duwan ka soo qabtay? Maxayse Idil Farmaajo u kashiftay waxyaabaha xaqiiqda ah iyi khiyaanooyinka ay wadaan Madaxweynaha Iyo Raysal Wasaarihiisa? Ha gilgilato!

Turkiga 13ka Juun 2018 Wareedyo Lagu Kalsoonyahay ayaa inoo sheegay Dugsiga Sare ee Degmada Howlwadaag in uu Bixinteeda lahaa Madaxweynihi hore Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud waxaana laga Iibiyey  Bankiga Dahab shiil waxayna dhismo ku bilaabeen Dugsiga Sare ee Howlwadaag ee ka ak dhawaa Degmada Holwadaag.

Dhulka dugsiga sare Howlwadaag waa 40 boos waxaana dhismo ku bilaaway shaqsiyaad ayagoo ka dhiganaayo deegaan hase ahaate yaa masuuliyada dhulkaas in la bixiyo lahaa.

Madaxweynahii Hore Soomaaliya Xasan shiikh Maxamuud ayaa dhulka dugsare howlwadaag ku badashay 130 boos oo ku yaalo Deegaanka Jasiira dhulkaa oo la hayeen shaqsiyaadka uu kaga badashay dugsare howlawadaag  oo Gaarayo 40 boos.

Hadaba Degmada howlwadaag malah dugsi sare waxaana ugu soo dhow km5 waxaana dhulkaan horay looga qaaday shaqsiyaad waxayna dowlada dhexe ka dhigtay dan guud si loogu fuliyo bulshada wax ay ku qanci karaan.

Sikastaba Waxaana waajib ah in laga hor tago in la dhisto dhul degmo dhan u ah dugsi sare Waxaana leys weydiinayaa Madaxweyne Xasan shiikh oo ah aqoon yahan wax ka agaasimay waxbarashada dalka inta uu ku jiray bur burkii ka dib in uu saxiixo dhul dugsi sare ah ee dan guuda.

Dhismaha  iyo howlaha laga wado Dugsigi sare Ee Howlwadaag ayaa lasoo sheegayaa inay gacanta kula jiraan Rag Ganacsato ah ay Masuul uga tahay Bankiga Dahabshiil waxayna wadaan boob xoogan oo lagu doonayo in gabi ahaanba si sharci daro ah lagu dhisto Dugsigi sare Ee howlwaadag.

Dhismahaan ayaa weli waxaa ka taagan Muran xoogan hase ahaate Muranka ayaan ka imaanaya Odayaasha iyo dadka degan degmada howlwadaan kuwaas oo caruurtooda wax ku bartaan Dugisa sare ee sida sharci darada ah lagu dhisanaayo.

Odayaasha ayaa waxay sheegayan in ay tahay sharci daro dhismaha ay halkaan ka wado bankiga dahabshiil waxayna ugu baaqayaan Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Abdirahman Cumar Cusmaan In uu arintaas soo fara galiyo hadii ay dhismahan sii wadaan dahabshiil waxaan diyaar u nahay inan la dagaalano waxayna Aad u cabaareyeen Gudoomiyaha Howlwadaag kaas ay ku tilmaameyn mid aan waxba kala socon dhismahaan ay dahabshiil ka hirgalineyso Dugsiga sare ee Degmada howlwadaag.

Howlaha ka socda ee Dhismaha dugisa sare oo aan wax fasax loo qabin ayaa waxaa si awood ah u wada maamulka Dahabshiil waxaana la ogeyn in Gudoomiyaha Howlwadaag oo ku lug leeyahay maadama aytahay degmadiisa meesha ay dhismaha ka socda.

Gudaha Dhismaha ayaa waxaa ku sugan dadka dagan deegaan iyo Odayaal ka tirsan degmada howlwadaag oo si dardar ah u wada howsha dhisme ee laga wado dugsiga sare in la hakiyo si dhismahan loo dhameestirin sidoo kale Dahabshiil ayaa dusha u ridan doonto dhibka iyo isku dhaca ka dhaca dhismahaan sidaa waxaa yiri Mid ka mid ah odayaasha deegaanka.

Hase ahaaate Howlaha Dhismaha oo horay loo hakiyay ayaa waxaa dib si qarsoodi ah loogu bilaabay muddo ka yar bil, iyagoo usoo maray Gudoomiyaha degmada Holwadaag Wali wax war ah kama soo saarin Gudoomiyaha Waxayna  cadeyneesaa in wax badan kala socdo gudoomiyaha.

Maamulka Gobalka banaadir ayaa dhismahaan iyo howlaha ka socda Dugsi Sare ee howlwadaag arrintaan u muuqata  in aysan waxba kala socon Sidoo kale Dowlada Somalia ayaan ku baraarugsaneyn howlaha dib uga bilowday Dhismahaan oo uu khilaaf heerkiisu sareeyo ka taagan yahay.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan la ogeyn fal celinta ay la imaan doonan Maamulka Gobalka Banaadir ee dhismaha Dahabshiil  ka wado degmada howlwadaag.

Muqdisho 13ka Juun 2018 Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa waxaa lagu mamnuucay in Ganacsatada ay soo dejiyaan Qalabka ay Carruurta ku Ciyaaraan Maalmaha Ciida,kuwaas oo badan kood ah kuwo kas ameysan Bustoolado,Qoryo iyo Bambooyin intaba.

Wareegtada ayaa looga digay Ganacsatada in ay soo dejiyaan Qalabkaas,oo Wasaaradu sheegtay in ay yihiin kuwo dhibaato amni u keenaya dalka,isla markaana Carruuta oo horay ugu dhashay Wadan amnidarro ka jirto sii dhiiragelinaya.

Sidoo kale Ganacsatada ayaa loogu baaqay in Maalmaha Ciida kale ee soo socota in ay dalka keenaan Qalab kan ka duwan kaas oo Carruurta baraya waxyaabaha wanagsan .

Marka laga soo tago hadalka ka soo baxay Wasaaradda Ganaciga Soomaaliya ayaa waxaa xusid mudan in haatan Muqdisho iyo gobolada dalka laga isticmaalayo Qalabkaas.

Muqdisho 13ka Juun 2018 Maalmihii la soo dhaafay waxaa xirnaa isku-socodka Wadooyinka qaar ee muqdisho taas oo loo diidayey in ay Gaadiidka isticmaalaan,waxana cabasho ka muujiyey Shacabka ku nool Gobolkaan Banaadir.

Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa sheegay in xirnaanshaha Wadooyinka iyo baaritaanada waqtiga dheer qaata looga gol leeyahay sugida amniga Caasimadda,isla markaana Shacabka looga baahan yahay dhankooda in ay dul qaataan.

“Aniga oo ku hadlaya magaca taliyayaasha ciidamada,waxan shacabka uga mahad celinayaa dulqaadka ay muujiyeen waan ogahay in ay dhibtahay waqtiyo badan qaadato meeshii la aadi jiray sababtoo ah in baaritan badan baabuurta lagu sameeyo,waxan idiin balan qaadayaa in aan sii dardar gelin doono howlaha baaritaanada inta laga gaarayo in aan loo baahan baaritaan badan oo uu amniga soo hagaago laakin inta laga gaarayo waa in shacabku ay dul qaataan ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Sikastaba xirnaanshaha Wadooyinka qaar ee Muqdisho ayaa maal mahaan saameyn badan waxa ay ku yeelatay Shacabka Soomaaliyeed oo u diyaar garoobayo maalinta ciidul fidriga,waxana madaxweyne Farmaajo uu horay u amray in Shacabka Wadooyinka loo furo balse aan la fulin.

North Korea 13ka Juun 2018 Wakaalladda Wararka Waqooyiga Kuurya ee KCNA ayaa sheegtay in Madaxweyne Trump oggolaaday arrintaasi, kadib, markii ay isaga iyo Kim Jong Un ku kulmeen dalka Singapore.

Wakaalladdu waxay xustay inuu Madaxweyne Donald hadalkaasi sheegay kadib markii uu ku dhawaaqay inay Maraykanka joojin doonaan dhoolatuska Milliteri ee ay sida wadajirka ula sameeyaan Milliteriga Koonfurta Kuurya.

Dowladda Maraykanka weli kama aysan hadlin arrinta ku saabsan in dalka Waqooyiga Kuurya laga qaadayo Cunaqabataynta.

Dhinaca kale, Hoggaamiyaha Waqooyiga iyo Madaxweynaha Maraykanka waxa uu mid kasta kan kale ku casuumay inuu soo booqdo dalkiisa.

Golaha Amniga 13ka Juun 2018 193 dal ee xubnaha ka ah Golahaasi waxay caawa u codeyn doonaan Labo Qoraal Qabyo oo ay Dowladaha Carabta iyo Maraykanak u kala gudbiyeen Golahaasi oo ku aadan in la cambaareeyo Askarta Yuhuudda ee dilalka ka geystay Marinka Qasa, iyadoo Qoraalka Maraykanka ku baaqayo in la cambaareeyo Dagaalamayaasha Ururka Islaamiga ee XAMAAS oo iyagu Hoobiyayaal ku duqeeyey Yuhuudda. Dalalka Turkiga iyo Algeria oo wakiil ka ah dalalka Carabta iyo Ururka Islaamka ee OIC waxay Golaha Guud ee QM u guidbiyeen Qoraalkaasi ka dhanka ah Askarta Yuhuudda, kadib, markii ay Maraykanka Codka Diidmadda Qayaxan ee VETO ku hor-joogsadeen Qaraar ay Golaha Ammaanka ee QM gaareen bishan June 1-dii.

Golaha Guud ee QM waxay horey uga soo horjeesteen Go’aankii uu Madaxweyne Donald Trump ee uu bishii December ee sannadkii hore ugu aqoonsaday magaalladda Quddus-ta Barakaysan caasimadda Yuhuudda.

Talyaaniga 13ka Juun 2018 Raisul wasaariha dalka Taliyaaniga, Giuseppe Conte, ayaa jawaab kulul ka bixiyay eedeeyn uga timid madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron,

Macaron ayaa dhaleeceeyay taliyaaniga ka dib markii ay diideen in dalkoda uu ku soo xirto Markab siday muhaajiriin laga soo badbaadiyay badda Mediterranean-ka.

Af-hayeen u hadlay madaxwayne Macron ayaa sheegay in go’aanka Taliyaaniga uu yahay mid xushmad darro ah islamarkana qayrul masuulnimo ah.

Balse Mr Conte ayaa sheegay in Taliyaaniga uusan aqbali Karin casharo munaafuqnimo oo ka yimid dalal mar waliba door bidi jiray in ay dhabarka u jeediyaan soogalootiga.

Markabkabkani lagu magacaabo Aquarius, ayaa wali ay arrintiisu taagan tahay iyada oo ay jirto in dowladda Spain ay ogolaatay in uu ku soo xirto dekadda magaalada Valencia.

Shaqaalaha markabkani ayaa waxa ay sheegeen in markabkani uusan gali Karin saddex maalmood oo safar ah iyada oo ay dad badan saaran yihiin.

 

Ciidammada Yemen iyo kuwa xulafada uu Sacuudigu hoggaaminayo ayaa ku sugnaa duleedka udaydah

Yeman 13ka Juun 2018 Ciidammo taageero ka haysta Sacuudi Carabiya ayaa weerar ku billaabay dekedda muhiimka ah ee Xudeyda, ka dib markii jabhadaha Xuutiyiinta ah ay iska dhago tireen wakhtigii kama dambaysta ahaa ee loo qabtay si ay uga baxaan, sida ay wararku sheegayaan.

Ciidammada Yemeniyiinta ah oo taageero ka helaya xulafada uu Sacuudigu hoggaaminayo ayaa hawlgalka billaabay Ammin hore oo Arbacadii ah, sida ay ku warrantay warbaahinta Al-Carabiya.

Hay’adaha gargaarka ayaa ka digay in masiibo banii’aadan ay dhacdo haddii magaaladaas la weeraro, waxayna sheegeen in ay dhibaato soo gaari karto rubac milyan ruux.

Dekeddaas ayaa ah goobta ugu wayn ee ay ku xiraan maraakiibta iyo doomaha wada gargaarka Yemen.

In kabdan toddobo milyan oo ku nool dalkaas uu dagaalku ka taagan yahay ayaa ku tirsan cuntada gargaarka ah.

Dawladda Isutagga Imaaraadka Carabta oo qayb ka ah xulafada ayaa jabhadaha horay ugu qabtay wakhti kama dambays ah si ay uga baxaan ama wajihi doonaan dagaal.

Anwar Gargash oo ah wasiirudawlaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraatka ayaa BBC-da u sheegay in xulafada uu ka dhammaaday dulqaadkii dublamaasi ka dib markii 48 saac ee u dambeeyay ee loo qabtay.

Muqdisho 13ka Juun 2018 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xalay kormeerkiisii caadiga ahaa wuxuu ku tagay qaar ka mid ah isgoysyada Muqdisho, xarunta dambi baarista ee CID-da, xarunta taliska ciidamada nabadgelyada wadooyinka, xarunta tababarka ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Khayre oo kormeerkiisa ay ku wehlinayeen Wasiirka amniga Soomaaliya, Taliyaha ciidanka booliska, Taliyaha Asluubta, Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo saraakiil kale ayaa dhammaan xarumahaasi oo uu booqday talisyadooda waxa uu ka dhageystay warbixino ku aadan qaabka ay u shaqeeyaan.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa xarunta Gaadiidka Booliska Soomaaliyeed ku booqday ciidamo cusub oo ku soo biiray Booliska, wuxuuna ku dhiirageliyay shaqada culus ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

“Mudane Ra’iisul Wasaare waxaa hortaada taagan ciidan boolis ah oo lagu soo tababaray dalka Jabuuti, oo laba dufcadood ah, waxayna diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan howlgaladda hada socda.” Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed.

Wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) ayaa sheegay dhalinyaradan cusub ee Booliska ka tirsan in ay wax badan ku soo kordhin karaan arrimaha ciidamada, loogana faa’ideysan karo dhinacyo badan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ciidamada u jeediyay hadal dardaaran ah ayaa trilmaamay in ay hortaallo shaqo culus, oo ah tan ugu wanaagsan ee muwaadin uu u qabto dalkiisa.

“Ciidanka cusub ee la soo tababaray waxaan leeyahay ku soo dhawaada dalkiina hooyo, waxaa idin sugeysa shaqo aad u culus, laakiin ah shaqada ugu wanaagsan ee qof uu u qabto dalkiisa, waxaan idinka rajeynayaa waxa la idin soo baray inaad uga faa’ideyn doontaan shacabkiina.

Khayre ayaa ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay qaabka ay ula shaqeeyeen ciidanka xasilinta oo ay ugu dulqaateen baaritaanada lagu sameynayo gaadiidkooda, taasi oo qeyb ka ah qorshaha lagu adkeynayo amniga caasimadda.

Muqdisho 13ka Juun 2018 Hoggaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, ayaa la xaqiijiyay inuu ka biyo diiday qorsho uu watay ku-xigeenkiisa Maxamed Xaashi Cabdi.

Xaaf ayaa diiday qorsho ah in la joojiyo magacaabida Golaha Wasiirada maamulka oo ay kasoo muuqan doonaan Wasiiro ka imaan doona ahlusuna, kadib markii Carabeey uu sheegay in xalka Galmudug uu sidaa ku jiro.

Xaaf, oo ka biya diidan qorshaha Carabeey, ayaa sheegay in Galmudug aysan dayici doonin fursada ay ka heshay Ahlusuna, sidaa aawgeed uusan aqbali doonin dalabka ku-xigeenkiisa.

Carabeey, ayaa sheegay in Galmudug ay dib ugu laaban doonto halkii ay kasoo bilaabatay, haddii uu Hoggaamiye Xaaf kusii dhaga adeego inuu ku dhawaaqo Gole Wasiiro oo aan iyaga waxba laga ogeysiin.

Waxa uu Carabeey, lama huraan ka dhigay in mudada uu socdo Khilaafka la hakiyo dhammaan wixii magacaabis ah, hase yeeshee waxaa arrintaasi diiday Xaaf oo isagu u janjeera Ahlusuna.
Xaaf iyo Carabeey, ayaa kala heysta Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug kuwaa oo u kala dabqaadaya labada mas’uul.

Xildhibaanada qaar ayaa aad uga soo horjeeda in Xukuumada maamulka ay Wasiiro badan ka hesho Ahlusuna, halka qaarna ay ku doodayaan in la qanciyo Ahlusuna si looga gudbo khilaafyada.
Dowlada Somalia ayaa ku howlan xalinta Khilafka labada dhinac, inkastoo ay arrintu tahay mid cakiran.

Ma cadda sida looga takhluusin doono khilaafka labada dhinac ee waayadaani sii xoogeysanaayay, waxaana aad looga cabsi qabaa in xal loo waayo.

Garoowe 13ka Juun 2018 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dab xalay ka kacay Xero Carruurta Agoonta lagu xanaaneeyo oo ku taalla Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Dabka uu ilaa iyo hadda aan la ogeyn waxa sababay ayaa guddoomiyaha Xeradaas Cismaan Guureege,waxa uu sheegay in lagu fuuleystay deminta dabkaas oo aan geysan wax khasaaro nafeed ah.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Hoose ee Magalada Garoowe ayaa waxa ay dheegeen in iyaga oo kaashanaya shirkadaha Biyaha sifeeye ee Garoowe ay demiyeen dabkaas,iyaga oo uga mahad celiyey.

Sikastaba ha ahaatee dabkaas ayaa khasaaraha ugu badan waxa uu u geystay qeyb ka mid ah xarunta oo uu baabi’iyey sida ay sheegeen qaar ka mid ad dadka gurmad u sameeyeen.

Muqdisho 13ka Juun 2018 magaalada Cadaado ee xarunta Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa sheegaya in xaalada magaaladaasi ay tahay xiligan mid dagan oo wax dhibaato ah aysan ka jirin.

Caawa Fiidkii ayaa lagu soo waramay Ciidamo hubeesan uu watay Wasiirka Maaliyada Maamulka Galmudug Saciid Siyaad Shirwac in ay xoog ku galeen xarunta Madaxtooyada, waxaana halkaasi ka dhashay xiisad markii dambe la xaliyay.

Waxgaradka magaalada Cadaado ayaa la sheegay in ay kala dhax galeen ciidamada uu watay Wasiirka iyo Ciidamada maamulka degmada , waxgaradka ayaana ku guuleestay in ay ka hortagaan in ay isku dhacaan labada ciidan.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo la hadlay Shabakada Allbanaadir ayaa beeniyay in Cadaado caawa uu ka dhacay dagaal , waxa uuna warkaasi ku tilmaamay mid been abuur ah oo magaalada lagu khal khal galinayo.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka in uu hada joogo magaalada Cadaado xaalada ayna tahay mid degan oo dhibaato aysan ka jirin, waxa uuna uga digay dadka been faafinaya in aysan umada jahwareerin colaadna abuurin.

Xiisada Caawa laga dareemay magaalada Cadaado ayaa timid kadib markii Wasiirka Maaliyada Galmudug oo taageero ka heesta Madaxweyne Xaaf uu xirtay xarunta Madaxtooyada sidoo kale caawa xoog ku galeen ciidamo ka amar qaata.

Magaalada Cadaado oo kamid ah magaalooyinka ugu nabdoon ee Soomaaliya ayaa xiligan waxa ay xarun u tahay Baarlamaanka maamulka Galmudug, waxaana xaruntaasi ku shaqeeya Madaxweyne kuxigeenka Galmudug iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo hada khilaaf kala dhaxeeyo Madaxweynaha Galmudug.

https://www.youtube.com/watch?v=C4A4scBD_4c

 

WARARKA MAANTA 9ka Juun 2018 Sir Culus!

Su’aallaha Maanta: Maxay beesha caalamka u diiday inay wax dhaqaallo ah siiso xukuummad fashilantay ee khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade”

? Maxuu khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” u kashifay fashilka xukuummaddiisa ku timid? Muxuuse khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” u caayey dadka deggan Muqdisho asagoo uu la ogyahay inuu madaxa ugu musuqmaasuqa badan yahay xitaa hadda ay xukuummaddiisa bilaabay inay xitaa dugsiyadii iyo iskuuladii iibsado? Maxuuse u aamusan yahay inuu talaabo ka qaado Guddoomiiyaha Golaha Shacabka Mudane Mursal “Bakhti-Uroone”? Maxuuse Gudoomiyaha Golaha Senators Mudane Cabdi Xaashi “Hawo-Biiqe”u diidan yahay in sharciga la koreeno khiyaanooyinkii qaranka uu ka galay khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade”? Maxuu rabaa khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” inuu dib u saxiixo heshiiskui qarsoonaa ee Soma oil and Gas taasoo horay uga qaatay $ 2 milyan saami beenaad si loo dhaco hantida Ummadda Soomaaliyeed? Maxuu qaban karaa Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo “Been-Hawaas” oo xitaa xalin karin arrimaha qoyskiisa asagoo welina ka amar qaadanaaya Agaasimaha Madaxtooyadda Fahad Yaasiin oo juusjuus la shaqaysta Al-Shabaab ah? Yaa maanta runta ka qarin kara Ummadda Soomaaliyeed?

Muqdisho 9ka Juun 2018 Dowladaa Soomaaliya waxay Aad u adkeesay Amniga Magaalada Muqdishu maalmihi lasoo dhaafay hase ahate Shacabka reer muqdishu waxay isla dhaxmarayaan in dowlada ay caqabad ku tahay isu socodka Magaalada inakstoo shacabka aysan la socon xaaladaha qatarta ah ee kuso wajahan Magalaada.

Dowladu waxay ka war heshay in ay soo maleegayaan cadawga Umadda soomaaliyeed qarxyo badan ayagoo diidan in shacabka muqdishu nabad ku noolaadan kuna ciidan farxad waxayna u diyaarsan yihiin baab’inta shacabka marka wa in dowlada ay sugtaa amniga aysan ka fikirin xirnaasho iyo caqabadaha kale ee shacabka fiirinayaan.

Haddii Qaraxyo iyo Hoobiye ay dhacaan dowladda ayaa ammaanka dayacday, haddii si loo badbaadiyo Nafta muwaadinka Soomaaliyeedna ay ciidammadu baaritaan dheeraad ah sameeyaaan dowladda ayaa ku tacadiday dadkii oo wadooyinka xiratay Waa layaabaye xaggee inoo roon ma waxay dowlada ogaalata qaraxii 14 October oo kale in markale ka dhaco Muqdishu.

Dhaliisho markasta waa saxiix in dowladda loo sheego wixii ay ka gaabisana qalad ma ahan, laakiin dhanka kalana isma qabanayso ammaanka lama sugi karo, ammaan darana ma dhici karto taasi waxay garab siiineysaa cadawga dowlada.

Ogsoonow in waddooyinka ay taagan yihiin Dhalinyaro adiga kula mid ah oo jecel inta aad jeceshay, laakiin Naftooda u hibeeyay Qaranka una taagan iyaga oo Sooman inay badbaadiyaan Naftaada, mana qabato inaan Aflagaado Abaal gud uga dhigno halkii aan ka dhihi lahayn waxaad tihiin Daljir.

Wadada kaliya ee Nabadda lagu helo waa Naf hurid, marka dowladda iyo shacabkaba ay Nafta wada huraan ayaan heli doonaa Nabad iyo Amni waxaana lagu gaari doona barwaaqo islamarkasne Alshabaab ma doonayaan in ay shacabka iyo dowladuba horumar sameeyaan

Muqdisho 9ka Juun 2018

Qaramadda Midooway 9ka Juun 2018 Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhallaanka ee UNICEF ayaa ka digtay in caruur kor u dhaafaysa 1.25 Milyan oo Soomaali ah ay halis ugu jiraan nafaqo-darro ba’an sanadkan, sababo la xiriira fatahaadihii ka dhacay Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo lagu magacaabo, Stephane Dujarric oo Jimcihii shalay saxaafadda siinayay warbixinta joogtada ah ee daadadka tan iyo Bishii April ee sanadkan ayaa sheegay inay jirto halis nafaqa darro.

Waxa uu sidoo kale sheegay in hay’addu ay ogaatay in kala bar caruurta ay da’doodu ka yar tahay Shan jir oo ah in ka badan 1,25 Milyan ay wajahayaan sanadkan xaalad nafaqo darro, waxaana dadkaasi ka mid ah, 232,000 caruur ah oo ay hayso nafaqo-xumo ba’an, kuwaas oo u baahan daryeel gaar ah.

Goobihii ay ka dhaceen daadadka ayaa laga baqdin qabaa inay ka dilaacaan cudurrada halista ah sida Jadeecada, Shuban Biyoodka iyo Daacuunka , kuwaas oo meelaha qaarba laga helay kiisaskooda balse lala tacaalay.

Daadadka ka dhacay Soomaaliya ayaa waxyeeleeyay xarumahii fayadhowrka, 22 xarun oo lagu nafaqaynayay 6,000 oo Carruur barakacayaal ah, iyagoo sababay inay xirmaan goobo badan oo lagu nafaqaynayay dhallaanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa hoggaaminaysa barnaamijka lagu gargaarayo Dadka ay waxyeellada ka soo gaartay fatahaaddu, waxanay Wasaaradda Caafimaadka geysay Dawo loogu tala galay in wax lagaga qabto cudurada ka dillaaca goobaha ay ka dhaceen fatahaadda iyo daadadka

Turkiga 9ka Juun 2018 Dowladda Turkiga ayaa wadankeeda tababar ugu soo geba gebeysay saraakiil iyo saraakiil xigeen oo Soomaali ah,kuwaasi oo in muddo ah dalkaasi Turkiga ku baranayaya casharo la xiriira heerarka iyo sharciyada kaladuwan ee ciidamadu ay leeyihiin.

Tababarkani oo in muddo ah socday ayaa waxaa loo qabtay in kabadan 60 qof oo isugu jira saraakiil iyo saraakiil xigeeno oo Soomaali ah,waxaana ay tababarada la qaateen askar ka socotay Gaashaanbuurta NATO iyo kuwo kale oo ka kala socoda Afrika iyo Qaaradda Assia.

Gaashanle Maxamed Tahliil Maxamed oo kamid ah saraakiisha tababarka ku soo qaatay Dalkaasi Turkiga ayaa faah faahin ka bixiyay waxyaabihii ay barteen iyo sida ay ugu faraxsan yihiin.

“Waxaa nahay 63 oo saraakiil iyo saraakiil xigeeno ah ayaa nahay,waxaan baranaya Fakaltiyo kaladuwan oo ciidanka Xooga Dalka ah,waxaan ku faraxsanahay in aan tababar la qaadanaya ilaa 36 Dowladooda askartooda,kuwaasi oo ka kala socda NATO,Afrika iyo Assia intaba ka socda,aad ayaan ugu faraxsanahay in aan maanta qalinjebino,waxaan aad u soo dhaweynaynaa oo aan ku faraxsanahay in Jaaliyadda Soomaaliyeed ay halkani munaasabadda nagala soo qeybgalaan, mahad ballaaran ayaan u celinaynaa dowladda Turkiga oo walaalaha nahay sida ay inoo garab taagan tahay”. Ayuu yiri Gaashaanle Tahliil.

Dalka Turkiga ayaa kamid ah wadamada sida weyn u taageera Soomaaliya,gaar ahaan dhinacyada dib u dhiska iyo qalabaynta ciidamada,iyadoo askar badan tababaro ay ku soo qaateen dalkaasi.

Iiraan 9ka Juun 2018 Wasiirka Sirdoonka ee dalkaasi, Mahmoud Alavi ayaa sheegtay inay Ciiddankiisa qaadeen Hawlgal ka fuliyeen gudaha Somalia, kuna soo furteen 4 Kalluumeysato Iiraaniyiin oo afduub loo haystay tan iyo sannadkii 2015-ka.

Wasiirka waxa uu Suxufiyiinta u sheegay mar uu Kulan la yeeshay Kalluumeysatada la sheegay in Afduub loogu haystay Somalia, wuxuuna carrabka ku dhuftay inay ilaalo dhinaac Sirdoonka ah ku haayeen Badmaaxiintaasi, tan iyo markii ay Burcad-baddeeda afduubteen sannadkii 2015-kii.

Wasiirka Sirdoonka ee dalkaasi, Mahmoud Alavi waxa kale oo uu sheegay inuu Madaxweynaha Iiraan, Xasan Ruuxaani bixiyey Amarka ay Ciiddanka ka socda Wasaaradda Amniga Iiraan ku fuliyeen Hawlgalka ay 4-ta Kalluumeysato kaga soo badbaadiyeen Somalia

Afarta Kalluumeysatada Iiaraniyiinta ee la sheegay in laga soo furtay Burcad-baddeeda waxaa magacyadooda lagu kala sheegay: Mascuud Baluuji, Axmed Baluuji, Aadam Baluuji iyo Shermad Tabax Zeer.

Afgooyo 9ka Juun 2018 Taliska Booliska degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa faah faahin ka bixiyey howlgal dad lagu qabqabtay oo xalay laga sameeyey degmadaas kadib markii uu dil ka dhacay.

Taliyaha Saldhigga Booliska Afgooye ee G/Shabeellaha Hoose C/qaadir Cismaan Nuunow ayaa sheegay in Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda lagu dilay suuqa degmada,intaasi kadibna ay bibaabeen howlgal lagu boodi goobayey dadkii ka dambeeyey dilkaas.

Waxa uu sheegay in tiro dad ah oo ku sugnaa goobtii uu dilka ka dhacay gacanta lagu dhigay kuwaas oo looga shakisan yahay dilkaas,balse ay baaritaan ku hayaan.

Ugu dambeyn waxa uu shegay in amniga Guud ee degmada uu yahay mid wanaagsan,isla markaana Ciidamada dowladda ay howlgal amni ka wadaan halkaas,waxa uuna ugu baaqay Shacabka in ay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida Amniga.

Degamda Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay ka mid tahay degmooyinka ugu amniga xun gobolkaas,waxna mararka qaar weerar ku soo qaada xilliyada habeenkii dagaalamayaasha Al-Shabab.

 

 

 

 

Afgooyo 9ka Juun 2018Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa xalay askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda ku dilay gudaha degmada Afgooye ee gobolka Sh/ Hoose.
Dilka askarigaasi ayaa la sheegay in uu ka dhacay Suuq qaadka lagu iibiyo oo ku yaalla degmadaasi.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in askariga lagu dhuftay dhowr xabadood, islamarkaana uu goobta ku geeriyooday.
Raggii ka dambeeyay dilkaasi ayaa lagu soo warramayaa in ay goobta isaga baxsadeen dilka kadib.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goobta uu dilku ka dhacay gaaray, iyagoona howlgallo tiro dad ah lagu soo qab qabtay ka sameeyay halkaasi.
Maamulka degmada Afgooye oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan dilka askarigaasi.

Falalka amaan dari ee ka dhacaya Afgooye ayaa sii kor dhayay muddooyinkii dambe, iyadoonaa siyaabo kala duwan magaaladaasi loogu dilay askar ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaliya.

G7 9ka Juun 2018 Hoggaamiyeyaasha G7 ee ku kulmaya Quebec

Kala qeeybsanaanta u dhaxeysa Donald Trump iyo hogaamiyeasha kale G7-ka ayaa cirka isku sii shareertay.

Hogaamiyaha Mareykanka ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay in Ruushka dib loogu soo celiyo wadamada dhanka warshadha ku hormaray ee G7. Ruusha ayaa laga saaray G7 kadib markii uu isku balaariyay gobolka Crimea.

Balse hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ayaa sheegtay in wadamada xubnaha ka ah Midowga Yurub ee ka soo qeyb galay shirka ay dhamaantood isku raaceen in aysan taasi dhici doonin.

Dagaalka dhanka ganacsiga ah oo uu goordhow bilaabay maamulka Trump ayaa shirka ka noqday mowduuca ugu saameynta badan.

Dalka Canada ayaa dagaalka ganacsiga ee Trump ku tilmaamay in uu yahay mid “sharci darra ah” halka hogaamiyaha Midowga Yurub Tusk uu Trump kaga digay in mowqifkiisa ku aadan ganacsiga, isbedelka cimilada iyo Iran uu yahay mid khatar badan keeni kara.

Si sakataba, kadib markii uu la kulmay mr Trump madaxweynaha faransiiska Emmanuel Macron ayaa waxa uu sheegay in arrinta ay haatan soo wanaagsanayaso oo weli ay macquul tahay in hormar laga sameeyo dhanka ganacsiga balse fah faahin kama uusan bixin arrintaas.

Muqdisho 9ka Juun 2018 Inta la xaqiijiyay illaa iyo 15 qof ayaa ku dhaawacantay kadib shil gaari oo maanta ka dhacay deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibaarhim ee duleedka magaalada Muqdisho.

Shilkan ayaa yimid, kadib markii uu rogmaday gaari BL ah o marayay halka loo yaqaano kala wareega ee deegaankaasi.

Dhammaan dadkii ku dhaawacmay shilkaasi ayaa la dhigay isbitaal ku yaalla deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha deegaankaasi Cabdiraxmaan Axmed Cali Garyare oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in uu jiro shilkaas, islamarkaana uu ka dhashay gaari BL ah oo ka baxay Garasbaaley, kuna sii jeeday M/ Muqdisho.

Waxaana uu tilmaamay guddoomiye Garyare in haatan gacanta ay ku hayaan Kirishboygii iyo Miilkiilaha gaarigaasi.

Maraykanka 9ka Juun 2018 Madaxweynaha Maraykanka ayaa ka tacsiyeeyay askari Maraykan ah oo lagu diley weerar ka dhacay meel u dhow degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, waxaa sidoo kale halkaas lagu dhaawacay askar Maraykan ah iyo kuwa Soomaali ah.

Trump oo bartiisa Twitter-ka wax kusoo qorey ayaa yiri “Waan la murugoonayaa, waanan u duceynayaa qoysaska ay ka baxeen askariga lagu dilay iyo kuwa lagu dhaawacay Soomaaliya. Runtii waa geesiyaal”.

Askariga ayaa lagu dilay weerar looga shakinsayahy in ay geysteen dagaalyahanada al-shabab ee koonfurta Soomaaliya, sidaasi waxaa sheegay saraakisha ciidamada Mareykanka.

Afar kale oo ka tirsan ciidamada Mareykanka iyo askari soomaali ah ayaa sidoo kale lagu dhaawacay weerarka oo ka dhacay meel u dhow magaalada Jamaame, intaasi ayay raciyeen saraakiisha ciidamada difaaca ee mareykanka.

Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida ayaa si wada jir ah u fulinayay hawlgalka.

Waa askarigii ugu horeeyay ee Mareykan ah ee la shaaciyo dhimashadiisa tan iyo markii weerar gaadma ah ee ka dhacay dalka Niger bishii October, sida uu sheegay wargeyska New York Times.

Milatariga Mareykanka ayaa sheegaya in ciidamadooda ay gacan ka siiyaan ciidamada Soomaaliya hawlgallada ay fuliyaan.

Markii hore madaxweyneyaasha Mareykanka ayaa ka warwari jiray in ciidamdooda ay gudah u galaan Soomaaliya tan iyo markii 18 askari oo ah kuwa gaarka u tababaran ay ku dhibteen dagaalkii maleeshiyada Muqdisho ee 1993, kaas oo markii dambe laga matalay filim la magac baxay Black Hawk Down.

Si kastaba, madaxweyne Donald Trump ayaa balaariyay hawl galada ka dhanka ah ururka al-shabab oo xiriir la leh al-Qaeda.

Al-Shabab ayaa caasimadda Muqdisho laga saaray bishii Agosto ee 2011 kadib hawgal ay hogaminayeen ciidamada Midowga Afrika.

Baydhabo 9ka Juun 2018 Ciidamada ammaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa fiidnimadii xalay waxa ay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ku qabteen Laba nin oo ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Saraakiisha ayaa waxa ay sheegeen raggan in sanadkii hore Magaalada Muqdisho ay ku dhaawaceen nin dhalinyaro ahaa, iyagoo sida la sheegay meyd ahaan uga tagey, balse dib laga ogaaday in uu nool yahay.

Waxay kaloo saraakiishu sheegeen ninkii ay dhaawaceen in ay uga daba tageen Magaalada Baydhabo, si ay ugu waxyeeleeyaan, xilli dhawaan ay khadka teleefanka uga soo hanjabeen in ay khaarajin doonaan.

Jimcihii ayay raggan iyo ninkii ay doon doonayeenba ay si lama filaan ah isugu arkayn suuqa weyn ee Baydhabo, waxaana dhacday in ninkaasi uu u qaylo dhaansado ciidan suuqa ku sugnaa, kuna wargeliyay in raggani ay Shabaab yihiin, isla-markaana uu doonayo in loo qabto, maadaama ay Muqdisho ugu gaysteen dhaawacyada uu hadda ka bogsaday.

Labadan nin oo xilligii la qabanayay aan wax hub ah aanan wadan ayaa si nabadgelyo ah isugu dhiibay ciidanka, kadib markii lagu amray inaanay wax dhaqdhaqaaqi ah samayn karin.

Ciidamada Booliska oo raggan lagu wareejiyay ayaa waxa ay u kaxeeyeen xarumaha hay’adaha amnigu ku leeyihiin magaalada Baydhabo, si baaritaano dheeri ah loogu sameeyo.

Uganda 9ka Juun 2018 Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee dalka Itoobiya Abiyi Axmed ayaa waxaa booqasho ay uga bilaabatay Magalada Kambala ee Xarunta dalka Uganda,iyada oo ay soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Uganda.

Xarunta Madaxtooyada Uganda ayaa waxaa ku qaabilay Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni,iyaga oo yeelan doonaan kulan loog hadli doono arrimo muhiim u ah labada dal.

Ra’iisul Wasaare Abiyi Axmed ayaa booqasho rasmi ah waxa uu ka helay madaxweynaha dalka Uganda,isaga oo booqasho laba Cisho ah ku joogi doona dalkaas,waxayna labada masuul ka wada hdli doonaan xaalada Soomaaliya oo ay Ciidamo ka joogaan.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa inta uu ku sugan yahay halkaasi waxa uu ka qeybgeli doonaa Munaasabada Maalinta Geesiyada Uganda,isla markaana la guddoonsiin doono Billada Afrika Garand Master.

Muqdisho 9ka Juun 2018 Wararka naga soo gaaraya Degmada Howlwadaag ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo dhismo sharci diro ah waxaana dhismahaas Masuul ka ah Bankiga Dahab shiil waxayna dhismo ku bilaabeyn Dugsiga Sare ee Howlwadaag ee ka ak dhawaa Degmada Holwadaag.

Dhismaha  iyo howlaha laga wado Dugsigi sare Ee Howlwadaag ayaa lasoo sheegayaa inay gacanta kula jiraan Rag Ganacsato ah ay Masuul uga tahay Bankiga Dahabshiil waxayna wadaan boob xoogan oo lagu doonayo in gabi ahaanba si sharci daro ah lagu dhisto Dugsigi sare Ee howlwaadag.

Dhismahaan ayaa weli waxaa ka taagan  Muran xoogan hase ahaate Muranka ayaan ka imaanaya Odayaasha iyo dadka degan degmada howlwadaan kuwaas oo caruurtooda wax ku bartaan Dugisa sare ee sida sharci darada ah lagu dhisanaayo.

Odayaasha ayaa waxay sheegayan in ay tahay sharci daro dhismaha ay halkaan ka wado bankiga dahabshiil waxayna ugu baaqayaan Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Abdirahman Cumar Cusmaan In uu arintaas soo fara galiyo hadii ay dhismahan sii wadaan dahabshiil waxaan diyaar u nahay inan la dagaalano waxayna Aad u cabaareyeen Gudoomiyaha Howlwadaag kaas ay ku tilmaameyn mid aan waxba kala socon dhismahaan ay dahabshiil ka hirgalineyso Dugsiga sare ee Degmada howlwadaag.

Howlaha ka socda ee Dhismaha dugisa sare oo aan wax fasax loo qabin ayaa waxaa si awood ah u wada maamulka Dahabshiil waxaana la ogeyn in Gudoomiyaha Howlwadaag oo ku lug leeyahay maadama aytahay degmadiisa meesha ay dhismaha ka socda.

Gudaha Dhismaha ayaa waxaa ku sugan dadka dagan deegaan iyo Odayaal ka tirsan degmada howlwadaag oo si dardar ah u wada howsha dhisme ee laga wado dugsiga sare in la hakiyo si dhismahan loo dhameestirin sidoo kale Dahabshiil ayaa dusha u ridan doonto dhibka iyo isku dhaca ka dhaca dhismahaan sidaa waxaa yiri Mid ka mid ah odayaasha deegaanka.

Hase ahaaate Howlaha Dhismaha oo horay loo hakiyay ayaa waxaa dib si qarsoodi ah loogu bilaabay muddo ka yar bil, iyagoo usoo maray Gudoomiyaha degmada Holwadaag Wali wax war ah kama soo saarin Gudoomiyaha Waxayna  cadeyneesaa in wax badan kala socdo gudoomiyaha.

Maamulka Gobalka banaadir ayaa dhismahaan iyo howlaha ka socda Dugsi Sare ee howlwadaag arrintaan u muuqata  in aysan waxba kala socon Sidoo kale Dowlada Somalia ayaan ku baraarugsaneyn howlaha dib uga bilowday Dhismahaan oo uu khilaaf heerkiisu sareeyo ka taagan yahay.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan la ogeyn fal celinta ay la imaan doonan Maamulka Gobalka Banaadir ee dhismaha Dahabshiil  ka wado degmada howlwadaag.

https://www.youtube.com/watch?time_continue=9&v=M8FewDlKyxw

WARARKA MAANTTA 7da Juun 2018 Sir Culus!

Su’aallaha Maanta: Meeqo Madaxweyne ayaa ka dhex jira Soomaaliya? Maxay adduunku ugu wareersan yihiin Madaxweyne saxda ah ee Soomaaliya? Maxuuse qaban karaa khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre oo heshiisyadii iyo khiyaanooyinkii uu Ummadda Soomaaliyeed u dhigay ay hadda bilaabatay lugooyadii iyo marin-habaabinta Ummadda Soomaaliyeed? Maxaase weli loo keeni layahay Baarlamaanka heshiisyada qarsoodiga ah ee uu soo saxiixay khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre? Maxuuu u malaynayaa inuu khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre ka qarin karo saamiga iyo khiyaanooyinka uu magaca Ummadda Soomaaliyeed ku isticmaalaayo in heshiisyo aan sharci ahayd weli loo sii saxiixo Soma Oil and Gas Iyo Shirkadda maamusha Haamaha Shidaalka Berbera? Mise maxuu qaban karaa Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo “Been-Hawaas” oo xitaa aan heshiis kala dhex dhigi karin qoyskiisa asagoo amar iyo talo ka qaadanaaya Agaasimaha Madaxtooyadda Fahad Yaasiin oo xiriir dhow la leh ururka argagixisadda Al-Shabaab sida warbixino kala duwan ka qoreen wariyaal? Maxuu khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre ugu gafay Shiikh Maxamed Shaakir shirkii Baydhao asagoo ku yiri ka bax shirka? Maxayse beesha caalamka weli ugu diidan tahay wax dhaqaallo inay siiyaan xukuummadda fashilantay ee khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre? Yaa runta qarin kara maanta?

Muqdisho 7da Juun 2018 Wadooyinka qaar ee ka tirsan magaalada Muqdisho inkastoo wadooyinka Magaalada Muqdisho ay maanta kala xiran yihiin, kadib markii ciidamada Nabadsuggida la dhigay wadooyinkaasi.

Inta badan Isgoysyada gaadiidka ay maraan ee Magaalada gudaheeda ayay ciidamadu xireen, iyadoo muddooyinkii danbe ay dadka Muqdisho ka reysteen wado xirista oo ay dhibaatooyin badan ku qabeen, waxaana la arkayey iyadoo loo diidayo Gaadiid u gudbaya dhanka wadada Maka Al-Mukarama.

Arrintan ayaa  la ogeen sababta loo xiray wadada Aada Garoonka diyaarada Aadan Cade iyo Wadada Ma almukarama waxaana la arkataa ciidamada xasilinta iyo Gawaari Tikniko ah in ay taagan yihiin Isgoosyada Muqdishu.

Ciidamada ayaa u diidaya gaadiidka shacabka guud ahaan inay u soo gudbaan dhanka wadada maka Al-Mukarama, xittaa gaadiidka waxaa loo diidayaa inay maraan wadooyinka qarda jeexa ah oo ciidamo ayaa la soo dhigay.

Dadka Muqdisho ayaa dhowaanahan ka nastay xirnaanshaha wadooyinka Magaalada, kadib markii ciidamada NISA Koontarooladii ay joogeen laga qaaday oo la geeyay wadada Warshadaha.

Jabuuti 7da Juun 2018 Ra’iisul Wasaarah Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo xalay lagu soo dhaweeyey Magalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ayaa lagu wadaa in uu Maanta la kulmo madaxda ugu sareysa dalkaas oo uu ka mid yahay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Soo dhawyntii xalay ee Ra’iisul Wasaare Kheyre ee dalka Jabuuti ayaa waxaa qeyb ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti iyo masuuliyin ka tirsan dowladda Jabuuti.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawada Wasiirka Boostadda iyo Isgaarsiinta Eng Cabdi Canshuur Xasan, Wasiir Dawlaha Wasaaradda Gaashaandhiga Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo mus’uuliyiin kale oo ka tirsan dawladda.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa waxa ay ka wada hadli doonaan sidii loo horumarin lahaa xariirka wadshaqeynayd ee labada dal iyo habka ugu wanaagsan ee loo dar-dargalin karo howlaha horumarineed ee ay dawladda Jabuuti ka wado gudaha Soomaaliya.

Jabuuti ayaa waxa ay ka mid tahay Wadamada taageera Soomaaliya,waxaana degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan ka jooga Ciidamo farabadan kuwaas oo ku howlgal Magaca howlgalka AMISOM.

Muqdisho 7da Juun 2018

Maamulka Dowlad Somaliland 7da Juun 2018 Somaaliland ayaa war ka soo saartay lacag hal Milyan ah oo dhawaan dowladda Somaaliya ay ugu deeqday Somaaliland si wax looga qabto saameyntii uu reebay roobabkii duufaanada watay ee ku dhuftay deegaano iyo degmooyin katirsan Gobalada Soomaaliland.

Wasiirka arimaha dibada Somaaliland Dr Sacad Cali Shire oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay, lacagtii dhawaan dowladda Soomaaliya ay u balan qaaday Somaaliland si wax looga qabto roobaab dabelylo duufaan watay oo dadka iyo duunyada sameyn ku yeeshay oo ka da’ay deeganada Somaliland.

Dr Sacad Cali Shire ayaa sheegay iney soo dhaweynayaan cid walbaa oo garab ka siineysa samata bixinta ama gargaarka dadka dhibaatada ay kasoo gaartay roobaabkii duufaanta watay ee ku dhuftay halkaasi

Maamulka Dowlad Puntland 7da Juun 2018 Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi uu hogaaminayey ayaa Maanta 6 June 2018 dib ugu  laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa oo saaka kasoo kicitimay magaalada Baydho ayaa waxaa kusoo dhoweeyey  garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe  ee Janaraal Maxamed Abshir Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha oo warbaahinta la hadlay markii uu soo gaadhay Caasimada Puntland ayaa ka warbixiyey shirkii Amniga Soomaaliya oo ay ka qayb galeen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya,  shirkaas oo uu Madaxweynuhu sheegay  in uu ku soo dhammaaday guul.“Waan idin salaamayaa dhamaantiin oo uu ugu horeeyo guddoonku, aad iyo aad baan idiin kaga mahadnaqayaa soo dhaweyenta Guddoomiye,  Wasiiro, Xildhibaano iyo odoyaasha kaleba, mudo dhowr beri ah ayaan waxaan ku maqneyen magaalada Baydhabo ee Caasumada kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed , halkaas oo aan kaga qayb galnay shirkii Amniga Soomaaliya, dabcan shirka waxaa looga hadlayaa arrimo muhiim ah oo amnigu ugu horeeyo, qaybsiga khayraadka, arrimo laxadhiidha doorashada 2020, dabcan waxa kasoo baxay waad la socotaan go’aamo iyo hishiisyo arrimaahaas la xidhiidha oo aan isleeyahay waa arrimo muhiim u ah masiirka Soomaaliya iyo in Soomaaliya horey u socoto oo an is leenahay waxay sii adkeenaysaa Federaalisimka markaan eegno go’aamada soo baxay waxay qaybinaysaa awooda Soomaaliya, waxay horumarinaysaa nidaamka aan anagu hurmuudka ka ahayn federaalisimka, Puntland ayadu mar waliba ahayd midda uddooda, horumarisa, kahadasha, waxaan rajeenayaa Inshaa’ Allaah  in waxabdan Soomaaliya isbadal kusoo rogto dhan walba, dhan amni, dhan dhaqaale, iyo dhan arrimaha lawadaago ah” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu ku soo laabto dalkiiyoo nabad ah isla’markaana waxaa uu Madaxweynuhu hambalyo iyo bogaadin u diray ciidanka difaaca Dowladda Puntland oo dharbaaxo kulul ku dhuftay kooxda argagixisada ah ee  taakta daran ee ku dhuumaaleysanaya Buuraha Gal-Gala.

Muqdisho 7da Juun 2018 Ciidamada Militariga iyo Booliska Kenya, ayaa weli waxay hawlgal ballaaran ka wadaan Magaalada Gaarisa, kadib markii shalay Ciidanka Kenya gaar ahaan kuwa gaarka ah ee GSU qarax Miino lagula eegtay inta u dhaxeysa Magaalada Gaarisa iyo Degaanka Libooyo.

Qaraxan oo si gaar ah uga dhacay Tuulada Harar oo u dhaw soohdinta Soomaaliya ayaa waxaa lagu dilay Shan sarkaal, halka Saddex kalena ay ku jiraan xaalad halis ah, kuwaasi oo si gaar ah uga tirsanaa ciidanka la dagaallanka Argagixisada Kenya.

Ciidanka ammaanka Kenya ayaa waxa ay baadigoob ugu jiraan raggii shalay weerarka geystay ee ka tirsanaa ururka Al-shabaab, waxayna Hay’adaha ammaanka amreen in jawaab deg deg ah laga bixiyo weerarkii lagu dilay saraakiisha.

Hawlgalka ka soconaya Magaalada Gaarisa, ayaa saamayn ku yeeshay dhaq dhaqaaqii gaadiidka iyo dadka, iyadoo hakad muuqdo uu ku yimid hawlihii gaadiidka dadweynaha.

Xoogaga Ururka Al-shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarkaasi ayaa waxa ay tilmaameen in ay ku dileen 25 askari oo ay ku jiraan saraakiil ciidan, waxayna tilmaameen in ay sii wadi doonaan weerarada ay ka geysanayaan Kenya.

Maamulka Dowlad Jubbaland 7da Juun 2018 Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa dhaqdhaqaaqyo Ciidan iyo howgallo waxay ka wadaan deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolada Jubbooyinka.

Ciidanka, ayaa goobaha ay Howlgalka ka wadaan waxaa kamid ah, Jammaame, Kaban iyo Kamsuuma, waxaana Saraakiisha hoggaamineysa ay sheegeen in ay bur buriyeen Saldhigyo ee Alshabaab deegaanadaasi ku lahaayeen.

Waxay gacanta kusoo dhigeen Ciidanka Kumaadooska Danab kudhawaad 20 qof oo la xiriirinayo inay ka mid yihiin Alshabaab, iyaggoo baaris ku wada, si loo kala saaro.

Taliyaha qeybta 43Aad ee ciidanka xoogga dalka general Ismaaciil Saxardiid oo la haday Idaacadda Codka Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, ayaa sheegay in howlgalada ay si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka gaarka ah ee Danab oo gacan ka helaya Kuwa Mareykanka.

Taliyaha, ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka ay ku guuleesteen in ay bur buriyaan goobo Alshabaab ay ku dhibaateen jireen dadka shacabka ah ee Sooman.

Ethiopia 7da Juun 2018 Dowladda Ethiopia ayaa ku dhawaaqday inay iibineyso shirkado waaaweyn oo ay dowladdu lahayd ka dhigaysa kuwa madax-bannaan, kuwaasi oo qeybo badan saamigooda laga iibin doono shirkaddo gaar ah iyo maalgashiyayaal shisheeye.

Tallaabadaasi ayaa qeyb ka ah isbeddellada uu Raisul-wasaaraha cusub ku sameynayo dalkaasi. Waxayna noqoneysaa markii ugu horeysay ee Itoobiya ay ka dhacaan isbedello waaweyn oo dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha ah.

Dowladda Ethiopia ayaa shalay ku dhawaaqday inay oggolaatay hirgalinta heshiiskii nabadda ee la kala dhex-dhigay iyagda iyo dowladda Eritrea, kaasoo oo dhigayay in Ethipia ay Eritrea ku wareejiyo magaalada Badwe ee xadka oo labada dhinac ay ku muran sanaayeen.

Guddiga fulinta ee isbaheysiga talada haya ee EPRDF ayaa sheegay inay u hoggaansami doonaan heshiiska Algiers ee lagu xukumay xuduudda kala qeybisa Eritrea iyo Ethiopia.

Muqdisho 7da Juun 2018 Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow), Guddoomiye Ku-Xigeennadda Amniga iyo Siyaasadda, Howlaha Guud iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa afur wadareed la qaatay shacabka deegaanka Garasbaaleey ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyey shacabka deegaanka Garasbaaleey afurka ay u sameeyeen, waxuna boggaadiyey horrumarada kala duwan ee deegaanku sameeyey muddooyinkii la soo dhaafay.

Isagoo la hadlayay shacabka deegaanka ayuu Duqa Muqdisho tilmaamay in maamulkiisu uu u taagan yahay horumarinta iyo isku-xirka bulshada Caasimadda, isla markaana dadka Caasimadda loogu geynayo deegaanadooda adeegyada bulshada ee maamulku bixiyo.

“Waxaan idin kaga mahadcelinayaa afurka aad noo sameyseen oo ina tusay sida aad u jeceshihiin maamulkiina, anaguna waxaan diyaar u nahay gacan qabashadiina iyo sidii aad u heli lahaydeen xuquuq lamid ah kuwa degmooyinka kale ee Gobolka Banaadir ”.Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Duqa Muqdisho oo ka hadlayay barnaamijka Dimuqoraadiyeynta Caasimadda, waxuu sheegay in maadaama uu qorshuhu yahay sanadka 2020 guud ahaan dalka ay ka dhacaan Doorashooyin qof iyo cod ah loo diyaar garoobo sidii kaalintooda ay uga qaadan lahaayeen.

Ugu danbeyn, ayuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ammaanay isku xirka shacabka, odayaasha iyo qeybaha bulshada deegaanka Garasbaaleey. Isagoo ka codsaday in la bixiyo canshuuraha si horumarka deegaanku u noqdo mid taabagalla lana tartama degmooyinka Caasimadda.

Sidoo kale, waxaa goobta hadallo ka jeediyey Xildhibaan Sharmaarke Garaad Saleebaan, Xildhibaan Abtidoon Yare iyo qaar kamid ah Mamulka deegaanka iyo Odayaasha Dhaqanka oo dhammaantood qiray in deegaanka Garasbaaleey uu sameeyey horumarro bulsho oo taabagal ah

Caabudwaaq 7da Juun 2018 Iyadoo ay xalay Al-shabaab la wareegeen qeybo badan oo kamid ah degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo dibna uga baxeen ayaa waxaa maanta degmadaasi lagu qabtay kulan looga hadlayo waxaana ka qeybgakay maamulka degmada iyi saraakiil ciidan.

Ibraahim guuleed aadan oo ah gudoomiyaha degmada ceelwaaq ee gedo ayaa Widh Widh Online u sheegay in xaalada degmada ay tahay mid degan kadib markii ay Al-shabaab gudaha u gakeen islamarkaana kulan looga jadlayo amniga ay la yeesheen saraakiisha ciidanka ee degmada ku sugan.

Ciidamada Amaanka Ayaa waxaa ay baaritaano ka wadaan gudaha degmada ceel waaq ee gobalka gedo,kaasi oo ujeedkiisu yahay sidii loo baadi goobi lahaa shaqsiyaadka xiriirka dhow la leh dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Xaalada degaanka ayaa waxaa ay Maanta u muuqataa mid degan,kadib markii xalay iyo Maanta shacabka ku dhaqan ceel waaq ay arkeen ciidamo isku badalayo gudaha degmadaasi.

Muqdisho 7da Juun 2018 Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta shir gudoomiyay shir looga hadlayo Mashaariicyada horumarineed ee Dalka laga fuliyo iyo u diyaar garowga shirka ka dhici doona Magaalada Brussels ee cariga Belgium-ka Bishan dhammaadkeeda, kaasi oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Shirkan Waxaana ka qeyb-galaya qaar ka mid Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Madax ka socota Maamul-Gobolleedyada iyo Beesha Caalamka.

Shirka Waxyaabaha sida weyn looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah muhiimada ay u leeadahay Mashaariicda hormaruneed ee hadda laga wado dalka iyo qorshayaasha lala hortagi lahaa Shirka looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya ee ka dhacaya Dalka Belgium-ka inta u dhaxeysa 25—26 bishan June 2018-ka.

https://www.youtube.com/watch?v=FW3wzFxdQ8k

WARARKA MAANTTA 5ta Juun 2018 Sir Culus!

Su’aallaha Maanta:Maxuu yahay heshiiska qarsoodiga ah ee uu Khaa’inul waddan Raysal Wasaaraha Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” ku soo saxiixay Addis Ababa Ethiopia ayaan dhawayd? Maxuuse dhan yahay saamiga uu ku leeyahayKhaa’inul waddan Raysal Wasaaraha Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” haamaha iyo shirkadda Kaydka shidaalka Berbera? Maxayse tahay sababta ay Ethiopia Raysal Wasaarahooda Mr. Aby Axmed ugu dhawaaqay inay Ethiopia samaysanayso Ciidamadda badda ayadoo adduunka oo dhan ogyahay inaysan Ethiopia lahayn wax bad ag, soo ma cada hadda inuu Khaa’inul waddan Raysal Wasaaraha Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” u soo saxiixay heshiis qarsoodi ah markii uu ayaan dhawayd tagay Addis Ababa? Maxuuse Weriye Daahir Calasoow u fashilay arrimaha xaasaasiga ah ee weriyaasha intooda badan ay ka gaabsadeen inay Ummadda u soo gudbiyaan? Yaase runta qarin kara maanta?

Garoowe 5ta Juun 2018 War goordhow naga soo gaarey Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta markale Wariyayaasha looga yeeray Xarunta Madaxtooyada Maamulkaas.

Wariyayaal ku sugan Garoowe ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in Wariyayaasha ay u yeereen Qeybta Warfaafinta ee Madaxtooyada,isla markaana la filayo in masuuliyiin ka tirsan Maamulkaas ay Warbaahinta la hadlaan.

Si lamid ah shalay ayaa sidaan oo kale Warbaahinta loogu yeeray,waxana shir jaraa’id qabtay xubno ka mid ah Guddiga difaaca Puntland,kuwaas oo ka hadlay dagaalada ay kula jiraan Al-Shabaab iyo Maamulka Soomaaliland.

Kenya 5ta Juun 2018 Hawlgal ay Boliska Kenya ka sameeyeen Suuqa Xaafadda Islii ee magaalladda Nairobi waxay ku soo qabteen in ka badan 2,000 oo Loorarka Sonkorta oo Kontorobaan ah.

Madaxa Unugga Ciiddanka Khaaska ee dalkaasi,
Muusa Yeego ayaa Saxaafadda u sheegay inay qabteen Sonkortaasi oo asal ahaan ay Wershadaha Sonkorta ee Mumais iyo Kabras ka keeneen dalka Brazil.

Waxa uu xusay inay dadweynaha u soo far muuqeen in Sonkor badan iyo Saliidda cuntada la dhigay Bakhaar ku yaalla Xaafadda Sekshin Saddex (Section #) ee Xaafadda Islii.

Muusa Yeego wxaa uu tilmaamay inay qabteen 3 Ganacsato Somali-Kenyan, kuwaasi oo la filayo in maanta la soo taago Maxkamad ku tyaalla Nairobi.
Dhinaca kale, waxa uu sheegay in Badeecadaasi Amar Maxkamadeed ku gubi doonaan.

Baydhabo 5ta Juun 2018 Madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ku wada sugan Baydhabo ayaa waxa ay yeesheen kulan gaar ah.

Labada dhinac ayaa waxa ay siweyn uga wada hadleen xaalada Galmudug iyo khialaf xilligaan ka dhex jira Madaxda Maamulkaas kaas oo hakiyey howshii Shaqo ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Wararka ay Dalsan heshay ayaa waxa ay sheegayaan in ay ku dheeraadeen ka hadalka sida ugu fudud ee xal looga gaari karo khilaafkaas iyo kaalinta ay ka qaadan karto dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ,Xildhibaano iyo Wasiiro ku sugan Cadaado ayaa waxa ay sheegeen War-saxaafadeed ay soo saareen in Madaxweyne Xaaf iyo Madaxda la socotay aysan Galmudug ku metelin Shirka Amniga Qaranka.

Baydhabo 5ta Juun 2018 Waxaa maalinkii labaad galay shirka Golaha amniga Qaranka oo uu shir guddoominayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayna ka qeyb galayaan Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka ka jira.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay kulamo gaar gaar ah waxa uu magaalada Baydhabo kula qaadanayay masuuliyiinta dowlad goboleedyada gaar ahaan madaxda maamulka Galmudug oo hada khilaaf uu ka dhexeeyo.

Kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxa xukuumadda Galmudug Maxamed Shaakir ayaa wararka ku dhaw dhaw waxa ay sheegayaan in aad looga hadlay khilaafka u dhaxeeya hoggaanka Galmudug, oo hada kala jooga Cadaado iyo Dhuusa-mareeb.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakiri Cali Xasan ayaa waxaa la sheegay in ay si aad uga wada hadleen sida ugu macquulsan ee xal loogu gaari karo khilaafka hareeyay Madaxda Galmudug iyo doorka dowladda dhexe.

Shirkan ayaa waxaa lagu adaa gelinka dambe ee maanta in lagusoo gaba gabeeyo magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah maamulka Koonfur Galbeed, waxaana laga soo saari doonaa war-murtiyeed ay isku raacsan yihiin madaxda ka qeyb gashay.

Heshiiska maanta lagu wado inuu ka soo baxo war-murtiyeedka shirka magaalada Baydhabo ayaa waxaa la sheegayaa in ay aad u taaban doonaan siyaasadda kheyraad wadaagga, arrimaha ammaanka iyo la dagaalanka ururka Al-shabaab.

Muqdisho 5ta Juun 2018 Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa soo bandhigay Nin ay sheegeen in uu ka tirsanaa xarakada Al-shabaab.

Waxaa ay sheegeen in Ninkaas uu ka mid ahaa Ciidan ka tirsan AL-shabab oo saaka xilliga Suxuurta weerar ku qaaday Ciidamada dowladda ee ku sugnaa Buunddada Degmada Baardheere.

Saraakiisha Ciidamada dowladda ayaa magaca Ninka ay soo bandhigeen ku sheegay Ibraahim Maxamed oo ka tirsanaa Al-shabaab laguna qabtay dagaalkii saaka aroortii hore ku dhexmaray Baardheere.

Weerarka Baardheere ayaa lasheegayaa in ay ku geeriyoodeen 4 ka mid ah Ciidamada Al-shabaab iyo labo Askari oo ka mid ah Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa dhinacooda sheegay in ay la wareegeen Buundada Baardheere oo ay saldhig ku leeyihiin Ciidamada dowladda,waxaa ay intaas ku dareen in Ciidamada Itoobiya ay duqeeyeen xaafado ka mid ah Magaalada Baardheere.

Baydhabo 5ta Juun 2018 Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa lagu soo waramaya inuu bilaabay dadaalo uu ku bad baadinaayo aayaha maamulka Gal-Mudug oo sanad gudihiis lugaha la galay khilaafkii labbaad.

Gal-Mudug ayaa wajaheysa xasarad siyaasadeed oo u dhaxeysa madaxda sare ee maamulka. Khilaafka taagan ayaa ka dhashay qaabkii loo fuliyay heshiiskii lala galay Ahlu Sunna, iyadoo madaxweyne kuxigeenka Gal-Mudug iyo gudoomiyaha Baarlamanku ay sheegeen in la baalmaray awood qeybsigii beelaha iyo in la badalay dastuurkii maamulka Gal-Mudug.

Wasiir Sabriye oo magaalada Baydhaba ku sugan ayaa la sheegay inuu kulan qaas ah la qaatay madaxweyne Xaaf iyo Shiikh Maxamed Shaakir oo iyaguna halkaa ku sugan, isagoo u bandhigay in Gal-Mudug ay u baahan tahay isu tanaasul iyo is qancin si meesha ay joogto horey looga qaado.

Wuxuu labbada nin u jeediyay in Dowlada dhexe ay xooga saari doonto midnimada Gal-Mudug.

Ilo ku dhow dhow wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in sidoo kale uu wasiirku teleefoonka kula hadlay madaxda Gal-Mudug ee gadoodka ku joogta magaalada Cadaado isagoo u sheegay in jiritaanka Gal-Mudug oo mid ah, ay muhiim u tahay nidaamka Federaalka iyo midka doorashooyinka 2020ka.

Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye ayaa labbada dhinac ka codsaday iney joojiyaan hadalada ay warbaahinta isu marinayaan taas oo dhaawaceysa qorshaha xal u raadinta xiisada ka taagan Gal-Mudug, wuxuuna kula dar daarmay iney eegaan masuuliyada ka saaran dadka iyo deegaanka.

Bulshada reer Gal-Mudug ayaa ka walaacsan khilaafka soo noq noqday ee madaxda sare, kaas oo dib u dhigay howlihii iyo horey u socodkii maamulka.

Muqdisho 5ta Juun 2018Sacuudi Carabiya ayaa bilowday inay Haweenka siiso ruqsada darawalnimada, taasoo mamnuuc ka aheyd Haweenka inay gaadiidka kaxeeyeen, iyadoo dhamaadka bishan si rasmi ah loo qaadi doono xayiraadii Haweenka ka saarneyd inay wadista gaadiidka.

War saxaafadeed ka soo baxay dowladda Sacuudiga ayaa lagu sheegay in la bilaabay bixinta sharciga darawalnimada ee Leesanka, waxaana la siiyay Haweenka ka yimaaday wadamada dibadda ee heysta leesanka, sida Britain, Lubnan iyo Canada.

Haweenka la siiyay sharciga darawalnimada Leesanka ayaa ugu horeyn la imtixaanay, ka hor inta aan Ruqsada darawalnimada.

Wasaaradda Warfaafinta Sacuudiga ayaa soo bandhigtay sawirka haweeneydii u horeeyay ee la siiyay sharciga darawalnimada, waxaana ay aheyd gabar kaaliye macalin ka ah Jaamacadda Sattam Bin Abdulaziz.

Sacuudiga ayaa 24-ka bishan si rasmi ah u qaadi doona xayiraada saarneyd Haweenka inay gaadidika kaxeeyaan, waana mid ka mid ah tallaabooyinka Dhaxal sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan ku doonayo inuu ku casriyeeyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Todobaadyo ka hor ayay aheyd markii dowladda Sacuudiga ay xabsiga u taxaabtay Haween u ololeynayay xuquuqda darawalnimada, waxaana lagu wadaa in maxkamad la soo taago.

Haweenka Sacuudiga ayaa loo ogoleyn in muxram la’aan safarada dibadda, goobaha caafimaadka, shaqada iyo waxbarashada.

ICG 5ta Juun 2018 Ururka xasaradaha adduunka ayaa ka digaya in muranka kharaar ee u dhexeeya dawladaha khaliijka carabta uu khatar ku yahay oo uu wiiqayo daganaanshaha Somalia.

Ururku wuxuu siyaasiyiinta Somalida Ugu baaqay in ay joojiyaan in ay laka jirsadaan dhinancyada iskuhaya muranka khaliijka ka taagan sabatoo ah taasi waxay khatar galin kartaa qalalsasaha isa soo taraya ee Somalia gudaheeda iyo sidoo kale Caasimadda Muqdisho iyo Jamhuuriyadda Iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Kolkii sacuudiga iyo imaaraadka Carabtu ay xiriirka diblumaasiyadeed ujareen Qatar sanadkii hore ayaa arrintani waxay dhibaato u keentay Somalia taas oo xiriir laleh labada dhinacba.

Ururka xasaradaha caalamka ayaa ku baaqay wadahadal dhexmara dawladaha Somalia iyo Imaaraadka asagoo intaas ku daray xasilooni darro dheeri ah oo ka dhacday Somalia in ay ka faaidi karaan Kooxaha Jihaad doonka ah.

Muqdisho 5ta Juun 2018 Ururka Argagixisada Al-shabaab ayaa xalay fiidkii waxa ay weerar ku qaadeen xaafad ka tirsan degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, gaar ahaan halka loo yaqaano Cali-Goley oo aaggaasi ay barkontorool ku leeyihiin ciidanka ka tirsan kuwa Nabad sugidda Qaranka.

Guddoomiyaha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir Maxamed Ismaaciil C/laahi ayaa waxa uu sheegay xubno ka tirsan Shabaab in xalay ay weerar ku soo qaadeen qeyb ka mid ah degmada, balse ay iska difaaceen ciidanka, dibna ay u laabteen.

Wuxuu sheegay inaanay jirin wax khasaare ah oo soo gaaray ciidanka iyo dadka shacabka ah ee degan degmada, kuwaasi oo inta ay rasaasta socotay dareemay cabsi.

“Wax weyn oo dhib ah dhacay ma jiraan, meel xaafada ka mid ah ayaa xabado nooga soo dhaceen, annagana waan ka jawaabnay, ma jiraan khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray ciidanka iyo shacabka.” Ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Kaxda.

Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saakay hawlgallo amni xaqiijin ah ka wada dhulka hawdka ah ee Shabaab ay xalay weerarka ka soo qaadeen, waxayna ciidanka ku daba jiraan raggii falkaasi ka dambeeyay.

Kaxda, ayaa waxaan ku sugnayn ciidan badan sida Degmooyinka kale ee Gobolka Banaadir, waxaadna arkaysaa in askartu ku badan yihiin dhinaca wadada aadda Ceelasha Biyaha iyo midda kale ee Dhanaane ku beegan.

Austria 5ta Juun 2018 Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa booqonaya magaalada Vienna ee dalka Austria maalinta khamiista ah taas oo ah booqasho dhif ah oo uu ku tagayo dal galbeed ah.

Austria, oo ah dal dhexdhexaad ah, ayaa kamid ahaa dalalka fara ku tiriska ah ee aan safiirkeeda kala bixin Ruushka, dalalkaas oo kasoo horjeestay sumayntii basaas hore oo Ruushka u dhashay Sergei Skripal kaas oo lagu sumeeyey dalka Britain.

Hoggaamiyaha dalka Austria Sebastian Kurz ayaa sheegaya in Austria ay doonayso in ay dhexdhexaadiso Ruushka iyo reer galbeedka.

Soo dhawayn diirran ayaa loogu diyaariyey Vladimir Putin magaalada Vienna.

Kasokow in uu taageerayo cuna qabataynta midowga Yurub ee Ruushka, hoggaamiyaha Austria Sebastian Kurz waxa uu u sheegay warbaahinta Ruushka ee Tass in uu doonayo in Austria ay dhexdhexaadiso xukuumadda Moscow iyo reer galbeedka.

Taageerada Mr Kurz ee cunaqabataynta waa mid iska cad, balse xisbiga ay isbahaysiga leeyihiin ee right Freedom Party ayaa marar badan ku celceliyey in la qaado cunaqabataynta.

Madaxa xisbiga xorriyadda, Heinz Christian ayaa socdaal ku tagay Ruushka labo sano kahor si uu us

Canada 5ta Juun 2018 Yuusuf Maadey Maxamed oo ah Aabe Soomaaliyeed oo xaaskiisa iyo afar caruur ah oo uu dhalay ku noolaayeen, qorshahana uu ahaa in Isniinta shalay loo soo musaafuriyo dalka Kenya, isaga oo ay is macsalaameynayeen xaaskiisa iyo caruurtiisa, kuna sugan garoonka ayaa waxaa loo sheegay in Canada uu sii joogi karo mudo sanad ah.

Hay’adda socdaalka dalka Canada ayaa go’aanka ah sii joogitaanka Yuusuf ku dhawaaqday, kadib markii dadaalo kala duwan oo arrintan lagu baajinayo ay sameeyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Edmenton.

Yuusuf Maadey Maxamed oo 41 sano jir ah ayaa waxa uu sheegay inuu aad ugu farxay markii uu maqlay in mudo sanad ah uu sii joogi karo dalka Canada, wuxuuna tilmaamay inuu ka shaqeyn doono sidii uu u cadeyn lahaa inuu yahay nin dhalasho ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, balse keliya wata Baasaboorka Kenya

“Markii aan maqlay go’aanka ah inaan sii joogayo dalka Canada aad ayaan ugu farxay, waxaan dareemay farxad aan la soo koobi karin, waan ilmeeyay, waxaan ka shaqeyn doonaa mudada sanadka ah sidii aan u cadeyn lahaa Soomaalinimadeyda.” Ayuu yiri Yuusuf.

Aabahan oo asalkiisii hore ka yimid magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa Qaxooti ahaan ugu jiray xeryaha Qaxootiga dalka Kenya, intaasi kadib ayuu ku dadaalay sidii uu aadi lahaa dalka Canada oo ay qoyskiisa ku nool yihiin, waxaana 2013-kii u suuragashay inuu Qaxootinimo ku galo dalka Canada, isaga oo wata Baasaboorka Kenya.

Gutamala 5ta Juun 2018 Foolkaanadii ugu xumayd abid ee ka qaraxda dalka Guatemala in kabadan qarni ayaa dishay 33 qof sida ay sheegaan saraakiisha dalkaas.

Tobonaan kale ayaa lala’yahay, sida ay sheegtay hay’adda maaraynta musiibooyinka ee dalkaas.

Tuulooyin u dhawaa halka ay ka qaraxday foolkanada lagu magacaabo Fuego ayaa waxaa gabi ahaanba aasay dambas, dhoobo iyo dhagxaan salli ah kadib markii ay dillaacday foolkanadu taas oo socotay 16 saacadood iyo bar maalintii axadda ahayd ee lasoo dhaafay.

Madaxweyne Jimmy Morales ayaa ku dhawaaqay saddex cisho oo baroor diiq qaran ah, Dhanka kale xeebaha Guatemala ayaa sidoo kale waxaa ku dhuftay dhul gariir in kastoo aan wali lasoo sheegin khasaare ka dhashay halkaas.

Muqdihso 5ta Juun 2018 Nin oday ah oo la sheegay in uu ka yimid dalka Sweden ayaa xalay isku dal dalay xaafad katirsan degmada Shibis ee gobolka Banaadir , waxaana saakay meydka odaygan laga helay guriga uu degnaa.

Dadka xaafada ayaa saakay kusoo toosay ninkan odayga ah oo da’diisa lagu qiyaasay 50-sano jir oo meyd ah qoortana ay ugu jirto xarig la sheegay in uu isku dal dalay sida dadka xaafada ku warameen.

Lama oga wali sababta keentay ninkan odayga ah ee ka yimid qurbaha in uu is dal dalo, waxaana warar la isla dhax marayo sheegayaan in uu jiray dhibaato dhinaca qoyska ah oo ninkaasi is dilay heesatay.

Dhaqanka is dal dalaada oo ah mid aan dadka Soomaaliyeed dhaqan u laheyn ayaa mudooyinkii dambe kusoo badanaya qeybo kamid ah dalka, waxaana dadkan is dila inta badan yihiin kuwa dhibaato lasoo daristo.

https://www.youtube.com/watch?v=nxTf5nMRMcM

https://www.youtube.com/watch?v=nxTf5nMRMcM

WARARKA MAANTTA 4ta Juun 2018 Sir Culus!

Su’aallaha Maanta: Maxay beesha caalamka ugu diiday inay dhaqaalihii ay ballanqaadeen u diidaan Khaa’inul waddan Raysal Wasaaraha Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” Iyo Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo “Been-Hawaas”? Xagee/halkee ku dembaysay ballanqaadkii $ 300 milyan ee ay xukuummadda fashilantay ee Soomaaliya iyo Dowladda Maraykanka kala saxiixdeen? Xaggeese/halkee ayeey ku dembaysay $ 200 milyan ee Dowladda Qatar u ballanqaaday xukuummadda fashilamtay ee Khaa’inul waddan Raysal Wasaaraha Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” Iyo Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo “Been-Hawaas”? Maxuuse Bangiga Adduunka ugu diiday in wax lacag ah oo lagu soo daabaco lacag Soomaali amaahiyo/deymiyo dowladda wada dadban ee ay hoggaamiyaan Khaa’inul waddan Raysal Wasaaraha Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” Iyo Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo “Been-Hawaas”? Maxaa cadaalad timaadaa? Ma loo dilay ninkii dilay Wasiir Cabaas Siraaji kaasoo ay hooyadii iyo ehelkii dhalay ay weli ka sugayaan qisaas labadan nin ee kala ah Khaa’inul waddan Raysal Wasaaraha Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” Iyo Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo “Been-Hawaas”? Maxay u soo booqan karin Khaa’inul waddan Raysal Wasaaraha Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” Iyo Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo “Been-Hawaas Hargaysa, Somaliland”?

Muqdisho 4ta Juun 2018 Guddoomiyaha cusub ee maxkamdda sare ee dalka oo aan wax aqoon u lahay sharciga iyo qannuunka ayaa maanta si rasmi ah xilkiisa ula wareegay, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen wasiirka cadaaaladda iyo xeer ilaaliyaha Qaranka.

Mudane Baashe yuusuf Axmed oo todobaadkii hore xilkaasi loo magacaabay ayaa xilka kala wareegay mudane Ibraahim Iidle Sulaymaan oo xilkaasi horey u hayay.

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamada sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay inuu diiradda saarayo horumarinta adeegga garsoorka iyo sare u qaadista aqoonta dadka ka shaqaynaya.

Wuxuuna Guddoomiyihii xilkan kaga horeeyay ku ammaanay howsha hagar la’aanta ah ee adeega garsoorka ka soo qabtay,islamarkaana meel wanaagsan uu soo gaarsiiyay.

Dr. Axmed Cali daahir xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa u mahadceliyey gudoomiyihii hore ee maxkamadda sare shaqadii uu garsoorka dalka ka qabtay.

Wasiirka cadaaladda xukuumadda FS mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa munaasabadda xil wareejinta ka sheegay in uu isbadalkan ka filayo horumar cadaaladeed iyo in nidaamka garsoorka dalka shaqo badan laga qabto, si bulshadeenu u hesho adeeg garsoor oo sax ah.

Baydhabo 4ta Juun 2018 Wariyaasha ka howlgalla Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa Maanta waxa ay sheegeen in ay ku dhaqaaqeen Shaqa joojin socon doonta mudo 7 cisho.

Wariyayaasha ayaa arrintaan waxa ay u sababeeyeen kadib markii ay wada Shaqeyn ka waayeen Madaxtooyada koonfur galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in Wariyaysha qaar maanta jirdil loo geystey xilli lagu guda jirey Soo Dhaweyntii madaxda Qaranka iyo kuwa Maamul Goboleedyada. Waa sida hadal ay u dhigeen wariyayaasha ka howlgalla Baydhabo.

Weli madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya wax war ah kama soo saarin Shaqa joojintaas ay ku dhawaaqeen Wariyaasha Magalada Baydhabo.

Muqdisho 4ta Juun 2018 Dowladda Canada ayaa maanta dib Soomaaliya ugu soo celineysa Aabe Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Yuusuf Maadey Maxamed, kaasi oo Shan sano kahor qaab Qaxootinimo ah ku galay dalkaasi.

Aabahan oo asalkiisii hore ka yimid magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa Qaxooti ahaan ugu jiray xeryaha Qaxootiga dalka Kenya, intaasi kadib ayuu ku dadaalay sidii uu aadi lahaa dalka Canada oo ay qoyskiisa ku nool yihiin, waxaana 2013-kii u suuragashay inuu Qaxootinimo ku galo dalka Canada.

Aabahan oo xaaskiisa iyo Afar caruur ah oo uu dhalay ku nool yihiin dalka Canada ayaa loo sheegay in dib loogu celinayo dalka Kenya oo uu ka wato Baasaboor, balse wuu diiday, wuxuuna Canada u sheegay in asalkiisa uu Soomaali yahay, dibna loogu celiyo dalkiisa hooyo.

Yuusuf ayaa sheegay in dareenkiisa aan la qiyaasi karin, oo uu murugeysan yahay, maadaama laga wadayo qoyskiisa, wuxuuna maanta kahor inta aan dib loogu soo celin Soomaaliya la kulmi doonaa Wasaaradda Socdaalka dalka Canada.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Edmenton ayaa wada dadaalo ku adaan sidii ay ku baajin lahaayeen dib u soo celinta abaahan Soomaaliyeed, oo sanado kahor la midoobay qoyskiisa.

Muqdisho 4ta Juun 2018 Askari ka tirsan Ciidanka Minishiibiyada ayaa saakay afaafka hore ee xarunta degmada Waaberi si bareer ah ugu toogtay wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysanayay Mootada loo yaqaano Bajaajta.

Wiilka oo xabada ay kaga dhacday qeybaha sare ee jirkiisa ayaa garaab ahaan goobta looga qaaday, iyada oo la dhigay Isbitaalka mid ka mid ah isbitaalada Muqdisho, balse markii dambe ayuu u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.

Dadka degaanka ayaa inoo sheegay wiilka la dilay iyo askariga kahor inta uusan falka dhicin inuu dhexmaray muran, intaasi kadibna ay xigtay in askariga uu toogto wiilka.
Maamulka degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ayaa Idaacadda Risaala u sheegay askariga falkan geystay inuu baxsaday, balse ciidamada ammaanka ay ku daba jiraan, gacantana lagu soo dhigi doono.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo hubka ay wataan loogu tala galay in ay ku ilaaliyaan shacabka ayaa waxa ay u muuqdaan kuwo Qoryaha ay wataan ku dhibaateeya shacabka, iyada oo ay muhiim tahay in arrintan wax laga qabto.

Saraakiisha ciidamada Booliska Soomaaliya wali kama aysan hadlin falkan dilka ah ee askarigan uu kula kacay ruuxa watay Mooto Bajaajta oo aan waxba galabsan.

Garoowe 4ta Juun 2018 Wararka naga soo gaaraya Magalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in goodhow Xarunta Madaxtooyada Maamulkaas looga yeeray Wariyayaasha ka howlgalla Garoowe.

Xubnaha Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa la sheegay in ay Wariyaasha u yeereen balse aan la ogeyn waxyaabaha laga hadli doono,waxana Wararka qaar ay sheegayaan in xaalada Tukaraq iyo dagaalada ka jira deegaanada Puntland laga hadli doono.

Wariyaayaal ku sugan Garoowe ayaa Shabakada Dayniile  ayaa u sheegeen in goordhow ay gaaren Xarunta Madaxtooyada ee Garoowe,isla markaana la filayo in Wasiirka Warfaafinta uu Warbaahinta shir jaraa’id u qabto.

Hiiraan 4ta Juun 2018Maamulka gobolka Hiiraan ayaa Al-Shabaab waxa ay ku eedeeyeen in ay ka dambeeyeen dab la qabad siiyey Gawaari Xamuulka qaado oo ka baxay Magalada baladweyne kuna wajahnaa Degmada xudur,isla markaana lagu dilay in ka badan toban ruux.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Hiiraan Cabdiraxiin Maxamed Taakooy ayaa sheegay in Gadiidka la gubay xilli ay marayeen inta u dhaxeysa Deegaanka Qurax-joome iyo Xudur,isla markaana ay dileen 10 ruux dhammaan gaadiidkiina ay gubeen sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in dadkaasi ay ahaayeen Ganacsato aan waxba galabsan la dilay lagana gubay 13 Gaari ay wateen,waxa uuna sheegay in dhibaatadaas ay aheyd musiibo qaran oo ku habsatay Shacabkaas.

Sikastaba Maamulka Gobolka Hiiraan mashaacin tallaabada xigta ay qaadi doonaan maadaama dhibaatadaasi ay dhacday,waxaa

Maamulka Koonfur Galbeed 4ta Juun 2018Waxaa maanta oo Isniin ah magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah maamulka Koonfur Galbeed ka furmaya shirka Golaha amniga Qaranka, kaasi oo maalmihii dambe ay socotay qaban qaabadiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Ra’iisul Wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre, Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo kan Koonfur Galbeed oo shirka martigelinaya ayaa ka qeyb galaya kulankan, kadib markii shalay ay gaareen magaalada Baydhabo.

Sidoo kale waxaa shirka ka qeyb galaya xubnaha Beesha Caalamka, Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, si ay aragtiyadooda ugu biiriyaan shirka.

Waxaa si wayn loo adkeeyay ammaanka Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed, kadib markii ciidan badan oo xerooyinkooda ku jiray banaanka loo soo saaray, si ay ammaanka u xaqiijiyaan.

Shirka Golaha Amniga Qaranka oo magaalada Baydhabo uu ku shir guddoomin doono Madaxweynaha Somaliya ayaa waxaa horyaalla arrimo muhiim ah oo la xiriira ammaanka dalka.

Dowladda federaalka ayaa ku hanweyn in shirkani ay ka soo baxaan natiijooyin wanaagsan oo sii dardar gelinaya arrimaha amniga, federaaleynta dalka, khayraad wadaagga iyo in dalka lagu soo dabaalo siyaasad degan oo ku dhisan wadatashi.

Shirkii midkan ka horeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhawr ah oo ay ku jiraan dhismaha ciidanka iyo amniga, taasi oo qeyb weyn ka noqon doonto shirkan.

Israa’iil 4ta Juun 2018 Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa duqeeyey laba goobood oo ku yaallo marinka Qaza kaddib marki goobahaasi laga soo riday gantaallo ku dhacay Koonfurta Israa’iil.

Ciidamda Israa’iil waxay sheegeen in laba gantaal lagaga soo ganay dhinaca marinka Qaza. Mid kamid ah ay qabtaan ka kalana uu ku dhacay meel aan loogu talagalin.

Ma jirto weli cid ka mid ah Kooxaha hubeysan ee ku sugan Qaza oo sheegtay iney ka dambeysay weerarka gantaalladaasi.

Saacado kaddib, qaar ka mid ah dad deggan Qaza ayaa wxay sheegeen iney diyaaradaha Isra’iil duqeyn u geysteen xero ciidan lagu tababaro oo uu leeyahay ururka Xamaas.

Afhayeenka u hadlo ciidamada Israa’iil ayaa ka gaabsaday inuu duqeyntaasi wax ka yidhahdo.

Labada dhanba lama soo sheegin cid wax ku noqotay duqeynta diyaaradaha iyo gantaallada la soo riday midkoodna.

Sabtida shalay ahayd kumannaan Falastiiniyiin ah ayaa ka qayb galay aaska kalkaaliso caafimaad oo tabarruc ku shaqeyneysay oo ay Jimcihi ciidamada Israa’iil ku toogteen Qaza.

North Korea 4ta Juun 2018 Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa lagu soo warramayaa in dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay ay xilka ka qaaday wasiirka gaashaandhigga, madaxa ciidamada iyo agaasimaha xafiiska guud ee siyaasadda.

Warkan oo laga soo xigtay warbaahinta Kuuriyada Koonfureed iyo Japan ayaa waxaa xaqiijiyay sarkaal Maraykan ah oo aan magaciisa la shaacin.

Qaar ka mid ah dadka ka faallooda arimaha Kuuriyada Waqooyi ayaa rumaysan in Kim Jong-un oo ka baqay kacdoon milateri, xilli uu wadahadal ku aaddan baabi’inta hubkiisa la galayo madaxweyne Trump.

Shacabka Kuuriyada Waqooyi ayaa muddo badan loo sheegay in Maraykanka uu yahay cadow gumaysi doon ah.

Haseyeeshee warbaahinta qaranka ee dalkaasi ayaa maalmihii dambe yareysay dacaayadda ka dhanka ah Maraykanka, waxaana ay ka hadlaysay wadahadalka uu Kim Jong-un la yeelan doono Trump iyo weliba qaabkii gacanka Kuuriya looga dhigi lahaa mid ka caaggan hubka nukliyeerka ah.

Muqdisho 4ta Juun 2018 Gudoomiyhii hore ee maxkamada sare ee soomaaliya ibraahim iidle Saleebaan ayaa xilka si rasmi ah ugu wareejiyay gudoomiyaha cusub ee xilkaas loo soo magacaabay Baashe yuusuf axmed xil warejiinta waxaa goob joog ka ahaa madax ka tirsan dowlada soomaaliya iyo maamulka gobolka banaadir.

Muqdisho 4ta Juun 2018 Nin darawal ka ahaa gaari caasi ah ayaa goor dhow xiligii afurka ka dib lagu dilay afaafka hore ee xarunta Wasaarada Gaashaandhiga Somalia oo ku taalla jidka Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dilka darawalkan uu ka dambeeyey askari ka tirsan ilaalada xarrunta Wasaarada Gaashaandhiga.

Askariga oo ku sugnaa laamiga hormara Wasaarada iyo darawalka ayaa waxaa la soo wariyey inuu dhexmaray muran, waxaana darawalka la amray inuu ka soo dego gaariga, markii uu amarkaas qaatayna waxaa la sheegay in isla goobta lagu toogtay.

Meydka darawalkan oo magaciisa la oran jiray Farxaan Jeeni ayaa laga qaaday goobta waxaana la geeyey xarunta dembi barista Booliska ee CID.

Askariga falka dilka ah geystay ayaa markiiba ka baxsaday goobta, iyadoo saraakiil ka tirsan Wasaarada gaashaandhiga oo dhacdadan ku soo baxay ay sheegeen iney ku daba jiraan askariga dilka geystay, marka la soo qabtana cadaalada marin doono.

https://www.youtube.com/watch?v=G99RF2OpZCM

WARARKA MAANTA 31ka May, 2018 Sir Culus!Su’aallaha Maanta: Maxay tahay sababta uu Madacweyne Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo “Been-Hawaas” Iyo Khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhto-Raam-Sare” u ogolaadeen in arrintii badda Soomaaliya ee Maxkammadda Adduunka taalay taasoo ay ogaatay in Dowladda Kenya lagu ganaaxi rabo ganaax weyn oo ah xadgudubyada dhulka badda Soomaaliyeed ayagoo shatiyo sharci-darro ah siiyey shirkaddo shidaal ka qoda oo shisheeye ah? Maxuu noqon doonaa Madaxweynihii hore ee Damu-Jadiid Mudane Xassan Shiikh Maxamuud marka maanta ay cadahay in Madaxweyne Farmaajo Iyo Khaa’inul waddan Raysal Wasaare Kheyre ku mashuulsan yihiin sidii ay badda Soomaaliya u hanan lahayd dowladda Kenya? Madaxweyne Xassan Culusoow, xaal qaado! Ka daroo dibi dhal ayaa na haysata maanta Soomaaliya! Maanta Ummadda Soomaaliya waxaa u cad in Madaxweyne Mudane Farmaajo oo xitaa

qoyskiiga aan heshiisiin karin uu rabo inuu ka iibsado dalka Kenya badda Soomaaliya asagoo la shaqaynaayo khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre oo horay u soo galay heshiisyo qarsoodi ah oo shirkado shisheeye u fududeeyey inay si sahlan ku dhici karaan 90% halka Dowladda Soomaaliya heli karto 10%?

Shacabka Soomaaliya waxaa waajib ah in ay Ummadda Soomaaliyeed dalkooda ka difaacdaan madaxdan khaa’inul waddanka wada ah iyo kuwa la qaraabto! Maxayse tahay sababta ay madaxdan u diiday inay sameeyaan Guddigga Garsoorka Qaranka Iyo Hay’adda La-Dagaalanka Musuqmaasuqa? Ma ogaateen hadda?
Muqdisho

31ka May, 2018 Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Isse Awad iyo wafdi uu hoggaaminayo oo muddo laba cisho ah booqasho ku joogay dalka Jabuuti ayaa la kulmay Madaxda Dalkaasi.

Mudane Amb. Ahmed Isse Awad  waxa uu la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ballaaran ee laba dal iyo labada shacab ee walaalaha ah.

Labada Wasiir ayaa kala saxiixay heshiisyo seddex ah oo uu ku jiro mid ku qotoma iskaashiga ammaanka.

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Isse Awad oo ay ku wehliyeen socdaalkiisa Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka iyo Siihayaha xilka Agaasimaha Waaxda Afrika ee Wasaaradda Mudane Khaliif Cali Xaashi Cilmi ayaa shalay waxa ay booqasho sharafeed ugu tageen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane, Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo sidoo kale booqdey xarunta Golaha Baarlamaanka iyo Machadka Diblomaasiyadda dalkaasi.

Muqdisho 31ka May, 2018 Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee shalay uun la wareegay xilka ayaa ka hadlay qorshihiisa ugu horreeya maadaama Shaqa adag ay hortaallo,waxa uuna sheegay in bulshada ay garab ka sugayaan.

Wasiirka Gaashaandhigga  Mudane Xasan Cali ayaa sheegay in Wasaaradiisu ay la imaan doonto qorsho cad oo lagu sugayo amniga dalka,isla markaan sidoo kale dib u dhis loogu sameynayo Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in uu muhiim yahay sugida amniga dalka,isla markaana looga baahan yahay in Shacabka ay ka qeyb qaataan dagaalka Al-Shabaab si looga guuleysto.

Waa hadalkiisii ugu horreeyey ee uu sheego  tan iyo markii la magacaabay,isla markaana lagu wareejiyey xilka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya,iyada oo Shaqooyin adag ay horyaallaan.

Muqdisho 31ka May, 2018 Magacaabista guddigaan ayaa timid kadib markii kulan Magalada Nairobi ee dalka Kenya ay ku yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhigiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Labada madaxweyne ayaa waxa ay isla garteen  in la sugo ammaanka xudduudaha labada dal si looga hortago in waxa loogu yeero argagixisada ay isaga gudbaan.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku heshiiyay in la sameeyo guddi wadajir ah oo u kuur gala xaaladda degmada Balad Xaawo, isla markaasna soo diyaariya warbixin dhameystiran oo ku saabsan xaaladda dhabta ah ee ka jirta xuduudda u dhaxeysa labada dal.Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay taageero joogta ah siineyso shacabka iyo dowladda Soomaaliya, waxa uuna intaas ku daray in dowladdiisu ay aaminsan tahay in midnimada iyo madax bannaanida Soomaaliya ay tahay lama taabtaan.

Arrintaan ayaa imaaneysa xilli ay horay u jirtay xiisad ka dhalatay Kenya oo dioneysay in ay darbi ka dhisto qeyb ka mid ah Magaalada Balad xaawo balse Shacabka Magaaladaas ay ka hor tageen.

Muqdisho 31ka May, 2018 Sida ay sheegayaan xogo hoose oo aan ka heleyno xildhibaanada mucaaradka ku ah dowlada madaxweyne Farmaajo oo kasoo jeedo degaanada Galmudug ayaa haatan khilaaf xoogan soo kale dhex galay.

Xildhibaanadaas oo ku aftirsado xisbi ahaan damul-jadiid iyo Daljir ayaa lasheegayaa in haatan khilaaf xoogan soo kale dhex galay kadib markii ay ku kala aragti duwanaadeyn khilaafka kataagan maamulka galmudug.

Madaxda ugu sareyso galmudug ayaa haatan fariisimo ka kala dhigtay magaalooyinka cadaado iyo dhuusamareeb waxaana warbaahinta isku marinayaan hadalo aad u kulul.

Xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka soomaaliya ayaa hore culeysyo siyaasadeed saari jiray dowlada oo hogaamiyo madaxweyne Farmaajo waxaana haatan muuqato in arintaas oga mashquulsanyihiin khilaafka kataagan maamulka ee kasoo jeedaan ee Galmudug.

Sikastaba ha ahaate dowlada federaalka soomaaliya waxaa hortaagan caqabado badan oo kaga imaanaya maamul gobaleedyada waxaana ugu daran maamulka galmudug oo aan wali saldhigan waxaana la ogyahay in maamulkaas uu soo maray isqabqabsi badan hase ahaate wuxu ku dhawyahay in lagu kala tago mar hadii xal laga gaari waayey khilaafka hareeyey.

Muqdisho 31ka May, 2018 Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterras, ayaa la filayaa inuu dhawaan beddelo ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya danjire Michael Keating.

Sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah, danjire Keating ayaa la filayaa inuu bisha November ee sannadkan ka tago shaqada Qaramada Midoobay ee uu wakiilka uga yahay Soomaaliya, waxaana u dhammaanay saddex sannadood oo uu ahaa ergayga Qaramada Midoobay.

Wararka ayaa sheegay in danjire Keating uu doonayay in Qaramada Midoobay ugu darto wakhti kale shaqada uu hayo, laakiin xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inuu go’aansaday in danjire Keating la bedelo marka uu dhammaysto saddexdiisa sannadood oo ku eeg bisha November ee sannadkan 2018.

Dawladda Soomaaliya ayaa horey danjire Keating ku eedaysay inuu xasarad siyaasadeed oo aan jirin ka abuuro Muqdisho, isagoo Mr. Keating caan ku ahaa inuu dhegaysto afkaarta siyaasadeed ee siyaasiyiinta Muqdisho ee mucaaradka ku ah dawladda.

Laba goor oo kala duwan ayay dawladda Farmaajo ergaygan ka gudbisay dacwad ka dhan ah oo ay gaadhsiisay magaalada New york ee xarunta Qaramada Midoobay.

Warar aan helnay ayaa xaqiijiyay in la filayo in Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu ergaygiisa Soomaaliya u magacaabo diblomaasi Ingiriis ah oo Qaramada Midoobay wakiil uga ah dalka Koonfurta Suudaan.

Diblomaasigan oo lagu magacaabo danjire Nicholas Haysom ayaa sidoo kale haysta dhalashada dalka Koonfur Afrika, waxaana lagu tilmaamay inuu yahay diblomaasi sumcad ku leh Qaramada Midoobay dhexdeeda.

Waa markii saddexaad ee ay diblomaasiyiin Ingiriis ahi iskaga dambeeyaan xilkan Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaanay wakhtigooda ugu badan ku qaataan magaalada Muqdisho. Danjire Keating, waxa ka horeeyay Mr. Nicholas Kay oo isna Ingiriis ahaa.

Muqdisho 31ka May, 2018 Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ayaa bishaani ramadaan marti galineysa Dilal iyo Qaraxyo nooca lagu xiro gaadiidka raaxada.

Dilalka ugu badan ee Bishaani Ramadaan ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga kala fuliyay Afar Degmo oo la rumeysan yahay inay ka jirto amni darro weyn.

Dilalka iyo Qaraxyada ayaa horseed u ah Dayacnaanta dhanka maamulka iyo ciidamada ka howlgala Degmooyinkaasi, waxaana xusid mudan inaanu jirin xitaa hadalo kasoo baxa maamulka Degmooyinkaasi xiliyada ay dhibtu dhacdo.

Degmooyinka ugu halista badan Bishaan ramadaan ayaa waxaa kamid ah Degmada Waabari, Boondheere, Dharkiinleey iyo Degmada Wadajir oo qeybteeda xigta Garoonka Diyaaradaga ay ka dhacaan dilalka ugu badan.

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa maalmo un ka hor ku goodiyay inaanu xilka sii heyn dooni Guddoomiye Degmo oo aan ka adkeyn amniga Degmadiisa.

Si kastaba ha ahaatee, amni darada kasoo ifbaxeysa afartaasi Degmo ayaa cudur daar u noqon doonta ka dhabeynta goodinta uu jeediyay Kheyre.

Muqdisho 31ka May, 2018 Ciidamada Xasilinta ayaa howlgal ay ka sameeyeen Xaafado katirsan degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir waxa ay kusoo qabteen kooxo hubeesan oo la sheegay in falal amaan daro halkaasi ka wadeen.

Kooxaha hubeesan ee ciidamada amaanka soo qabteen oo gaaraya 11 nin oo ku hubeesnaa qoryaha fudud ayaa qaarkood waxa ay ku labisnaayeen dareeska kala duwan ee ciidanka dowlada sida kuwa Milatariga iyo Xasilinta.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi(Tuulax) ayaa sheegay in ragaas lasoo qabtay ay ahaayeen kuwo dadka Shacabka ah dhibaaten jiray,isla markaana mararka qaar Guryaha ugu geli jireen.

Waxa uu sheegay in howlgalada nuucaan ah laga sameyn doono dhamaan degmooyinka Gobolka Banaadir si looga hortago burcada hubeesan ee dhibaatada ku haya shacabka ku dhaqan Muqdisho.

Magaalada Muqdiso waxaa ku sugan burcad hubeesan oo xirta dareeska ciidanka dowlada, burcadan ayaana xiliyada qaar iska dhiga ciidamada amaanka oo baaritaano sameenaya kadibna dhac ka geesta guryaha ay galaan.

Maamulka Jubbaland 31ka May, 2018  Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay casho sharaf u sameeyey Gudiga madaxa banaan ee Dastuurka dowladda federaalka Soomaaliya iyo Gudiga la socodka dib u eegista Dastuurka ee labada Aqal ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed oo safar shaqo ku jooga magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa labada gudi kula dar daarmey in la dardar galiyo dhameystirka Dastuurka, sidoo kalena laga feejignaado in Dastuurka la xado ama dano gaar ah lagu saleeyo dhameystirkiisa.

“Waxaan caawa aad ugu faraxsanahay inaan kulan idinla yeesho adinka oo ah Guddiga u xilsaaran arrimaha dib u eegista Dastuurka, waxaan adinka fileynaa inaad dardar gelisaan hawlaha Dastuurka, si horey loogu sii socdo.” Ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS, Gudigga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa banbax-howleed soconaya  maalmo kooban uga socdaa magaalada Nairobi.

Saddexda hay’ad oo yeelanaya kulamo wadajir ah ayaa ka arrin sanaya xoojinta wada shaqeynta iyo sidii loo dar-dargelin lahaa Ololaha Dib-u-eegista Dastuurka.

Ceelbuure 31ka May, 2018 Warar lagu kalsoon yahay aya sheegaya in Abaabul dagaal ee ka dhan ah Ururka Alshabab, ayaa ku wajahan Magaalada Ceel buur iyo Tuulooyinka hoostaga ayagoo u diyaarsan Degaalkaas Maamulka Galmudug ee xaruntooda tahay Dhuusama-reeb.

Dagaalka ayaa waxaa lagu xureyn doona Magaalada Ceel buur iyo Tuulooyinka Hoos yimaada waxana warar aan helnay sheegayaan in la diyaariyey Kolanyo Ciidan ah kuwaas oo ka amar qaata Maamul Galmudug waxayna tahay Ujeedada sida looga saari lahaa Ururka alshabab Deeganada ka tirsan Maamulka Galmudug.

Golafkaan dagaal ee la iskugu diyaarinaayo waxaa kasoo xiganay Xildhibaan ka soo jeedo Deegaanka Ceelbuur asigoo inoo sheegay in lagama maarmaan ay tahay in la xureeyo Ceelbuur iyo wixi hoos yimaado si buu yiri dadka ku dhaqan degaankaas ay u helaan Maamul iyo wax qabadka ay xaqa u lahaayeen asigoo tilmaamay in dagaalkaan uu yahay mid gabai ahaanba loogu diyaar Garoobay Urur Alshabab oo mudo sando ah Shacabka reer Ceel buur ku gumeesanaaye deegaankaas.

Siskataba ha ahaate Xilhibaanka ayaa diiday  in aan sheegno magaciisa wuxuna si buuxda u sheegay in dhawaan dagaal lagu qaadi doono degaanadaas inkastoo dadka intooda badan ay dagan yihiin Tuulooyinka hoose yimaada ceel buur hadane waxaa la farayaa in ay ka digtoonaada wixi dhib u keeni kara.

Uga danbeyn waxaan oganahay in Deegaan Ceel Buur uu yahay mid muhiim u ah Maamulka Galmudug hase ahate Waxaa wali ka taliya Ururka alshabab mudo 10 sano ah ilaa iyo hada waxaa layaab ah in Xiligaan la jooga ay ka hadli la’yihiin Xildhibanada iyo Siyaasiyiinta kasoo jeeda ayagoo Xitaa mararka qaarkood tagaan meel ku dhaw dhaw Magaalada Ceelbuur

Nairobi 31ka May, 2018 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho hal cisho ah ku jooga dalka Kenya ayaa maanta wada hadallo kula yeeshay Madaxtooyada Kenya dhiggiisa dalkan Mudane Uhuru Muigai Kenyatta.

Madaxweyneyaasha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada ammaanka, la dagaallanka kooxaha argagixisada ah, ganacsiga iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Kenya sida ay dowladdiisu u garab taagan tahay Soomaaliya, isaga oo bogaadiyay kaalinta ay Kenya ka qaadaneyso Hawlgalka Nabad iIaalinta Midowga Afrika ee AMISOM si looga adkaado kooxaha argagixisada ah.

Waxyaabaha kale ee ay labada Madaxweyne ka wada hadleen waxaa ka mid ah iskaashiga dhaqaale ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, iyaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay isu socodka dadka iyo badeecadaha. Waxaa sidoo kale la isla gartay in la sugo ammaanka xudduudaha labada dal si looga hortago in kooxaha argagixisada ahi ay isaga

Maamul Punt;and 31ka May, 2018 Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa aqalka madaxtooyada dowladda Puntland ee magaalada Garoowe kula kulmay u qaybsamaha arrimaha bini’aadanimada qaramada midoobey ee Soomaaliya Mr. Peter De Clerc.

Kulankaan waxaa diiradda lagu saaray xaaladda bini’aadanimo ee Puntland gaar ahaan dadkii duufaanuhu saameeyeen, kuwa abaartu waxyeelaysay iyo xaaladda bini’aadamino ee dadkii ka bakaracay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Xog hoose ayaa sheegaysa in Peter De Clerc uu madaxweynaha dowladda Puntland ka codsaday in dadkaasi gurmad la gaarsiiyo ayna labada dhinac joojiyaan colaadda deegaankaasi, haseyeeshee madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u caddeeeyey waftigaani in Puntland lagu soo duuley xalkuna uu yahay in Soomaaliland ciidankeeda kala baxdo gobolka Sool.

Dhanka kalena kulanka ayaa waxaa uu ku saabsanaa arimaha bani’aadanimda iyo xuquuqda dadka tabaalaysan ee reebobka duufaanada wata iyo abaaruhu aafeeyeen, kuwaas oo roobabkii dabaylaha watay ee ku dhuftay soomaaliya iyo wadamo badan oo deriska ah barakac baahsan iyo waxyeelo u geysteen.

Mr. Peter De Clercq ayaa dhankiisa sheegay inuu aad iyo aad ugaga mahad celinayo kulanka uu kulaqaatay Madaxweynaha Dawladda Puntland xafiiskiisa iyo sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey Puntland, isagoona dhinaca kalena uu sheegay inuu soo maray gobolada waqooyiga Soomaaliya oo iyagana duufaanadii iyo roobabkii ka da’ay todobaadkii lasoo dhaafay khasaare baaxad leh oo naf iyo maal ahba u geysteen.

Sidoo kale Peter De Clercg ayaa sheegay inuu haatana Puntland u yimi sidii ay ugu kuudh geli lahaayeen xaalada dadka reer guuraaga ah iyo kuwa ku teedsan dhul xeebadka Puntland ee duufaanadii iyo roobabkii sanadku halakeeyeen, islamar’ahaantaanaa ay wax uga ogaan lahaayeen xaalada bai’aadanimo iyo raadkii abaarahu ka tageen.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sheegay in roobabkii duufaanada watay ee ka da’ay Puntland ay dad wax yeeleeyeen, Dawladda Puntland-na ay ka gurmatay amuurtaasi intii taagteeda ah, balse khasaaraha dhabta ah si loo ogaado ay Dawladda Puntland u xilsaartay xeel dheerayayaal xaqiiqo raadiyeyaal ah oo kasoo warbixiya raadadka abaaruhu ka tageen iyo khasaaraha ay geysteen duufaanadii iyo roobabkii isku lamaanaa.

https://www.youtube.com/watch?v=Pwab35aKD28

 

WARARKA MAANTA 28ka May 2018 Sir Culus!

Su’aallaha Maanta: Maxay tahay sababta sharci-darrada ah ee uu Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo “Been-Hawaas” xilka uga qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare Mudane Ibraahim Idle oo aan sharciga waafaqsanayn? Maxuuse yahay shaqsigan Looga mgacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed ee ugu musuqmaasuq badan ee la qaraaban jiray Hay’addaha UNDP Somalia oo dhaqaallo badan oo Ummadda Soomaaliyeed loogu talagalay si dadban iyo si toos ah ugu cunna magaca Ummadda Soomaaliyeed? Maxay noqontay golihii garsoorka iyo cadaalladda ee dalka Soomaaliya in maalinba maalinta ka dembaysa ay ciyaar ciyaar ka dhigtaan Xafiiska Madaxweynaha iyo Hay’addo shisheeye ah oo raba inay jahwareeriyaan Ummadda Soomaaliyeed? Mise ninkii jaajuus u ah dowladdaha shisheeye waxaa u sahlan inuu xilal sar-sare ka qabto dalka? Maxuu qaban karaa Guddoomiyaha Cususb ee Maxkamadda Sare ee sharci-darrada ku yimid Baashe Yuusuf Axmed oo loo keenay in si fudud u saxiiso badda Soomaaliya? Mise waxaa loo keenay heshiisyadii qarsoonaa ee u ka biyo-diiday Guddoomiyaha Maxkammadda Sare Ibraahim Iidle? Maxayse tahay sababta aan weli loo samay Guddigga Garsoorka Iyo Hay’adda La-Dagaalnka Musuqmaasuqa?

Maxay Soomaaliya maanta u xukummaan Khaa’inul Wadan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheye oo badda Soomaaliya horay heshiis qarsoodi ah la soo galay Shirkadda Soma Oil and Gas iyo kuwo kale oo farabadan? Yaa maanta runta qarin kara? Maxay tahay sababta loo keenay Guddoomiyaha Cusub ee Maxkamadda Sare oo si sharci-darro ah loo magacaabay?

Muqdisho 28ka May 2018 Guddoomiyihii Maxkamada Sare ee dalka ee shalay madaxweynaha Soomaaliya uu xilka qaadista ku sameeyey ayaa kasoo horjeestay xilka qaadistaas.

Ibraahim Iidle Suleymaan oo la hadlay Idaacadda Voa laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in xilka qaadistaas ay tahay mid aan sifo sharci ahoo marin,isla markaana isagu uu weli yahay guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka.

Waxa uu sheegay in dastuurka dalka uu dhigayo kal qeyb sanaanta awoodaha sidaas darteedna garsoorku uu ka madax banaan yahay lamaha kale ee dowladda,isla markaana uu weli yahay guddoomiyaha maxkamada sare Shaqooyinkiisa Dastuuriga ahna uu wadanayo sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in shacabka soomaaliyeed ay ogaanayaan in Shaqadii ay sideydii u sii socon doonto.

Sikastaba kasoo horjeesashada xilka qaadistii lagu sameeyey guddoomiyihii maxkamada sare ayaa ah khilaaf cusub walow weli madaxtooyada Soomaaliya aysan ka hadlin.

Muqdisho 28ka May 2018 Inbadan oo ka mid ah xildhibannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hor yimid xil ka qaadista madaxweyne Farmaajo ku sameeyay Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan.

Waxaana ma mid Xildhibanada kasoo horjeestay Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Baarlamaanka Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali ayaa sheegay in Madaxweynaha looga baahan yahay in uu xuso qodobadda Dastuurka ama Xeerarka garsoorka ee uu u cuskaday xilka qaadista garyaqaan Iidle.

“Haddii dasturki aan la cuskan ama garsoorki xeerarkiisa aan la raacin waxay noqoneysaa in arinkaasi sida ugu dhaqso badan baarlamanka ka fariisto…” ayuu yiri Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa ku dooday in loo baahnaa in madaxweynaha uu faro xukuumadda inay dedejiso soo hordhigida baarlamanka ee Guddiga Adeegga Garsoorka oo marki u dambeysay ay codsatay in bil gudaheda ay ku keeni doonto barlamanka, si guddigaasi uu ugu soo gudbiyo xukumada qofka qaban kara xilalka garsoorka.

Dhinaca kale Waxaa arrintan sidoo kale ka hadlay xildhibaanno kale oo dalbaday in arrintan la hor keeno Baarlamaanka si cod loogu qaado, waxaana xaaladda uga sii daray markii uu xilka qaadista lagu sameeyay ku gacan seyray Guddoomiye Iidle.

Muqdisho 28ka May 2018 Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Sh. Shaakir Cali Xasan ayaa war saxaafadeed ka soo saaray go’aanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka soo saartay khilaafka ka dhextaagan madaxda Maamulka Galmudug.

Sh.Shaakir ayaa sheegay in dowladda Federaalka ah ay u geftay Maamulka Galmudug gaar ahaan heshiiskii Ahlu Sunna Wal jawaamaha iyo Galmudug ay ku midoobeen.

Wuxuu usoo diray qoraal uu uga hadlaayo khilaafka so cusboonaaday ee ka jira Maamulka Galmudug wuxuna Dowlada Federaalka Soomaaliya ka dalbaday in la ilaaliyo hashiishki labada Geeskooda ahaa wuxuna tilmaamay in dowlada ay iska indha tireyso awooda ay leedahay Ahlu sana isalamarkasne ay wax badan kuso kordhin karto Galmudug.

Muqdisho 28ka May 2018 Shir deg deg ah oo ay yeesheen xildhibaano iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Galmudug ayaa waxa ay kaga hadleen khilaafka Cusub ee Madaxda Galmudug.

Xildhibaanada iyo Wasiirada shiray ayaa waxa ay sheegeen in hadalkii kasoo yeeray madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo guddoomiye Cali Gacal Casir uu yahay mid fowdo ah,isla markaana wax u dhimaya maamulka aan weli sal fadhiisan ee Galmudug.

Waxa ay sheegeen in labadooda aysan aheyn dad cusub,balse iyagu ay Galmudug waxka dhisaan xilligaana aan looga baahneyn in ay khilaaf Cusub abuuraan.Ugu dambeyn waxa ay ku baaqeen in hadalkii kasoo yeeray guddoomiyaha iyo madaxweyne ku xigeenka ay ku mudan yihiin in loo maxkamadeeyo sida ay hadalka u dhigeen.

Hadalka kasoo baxay xildhibaanada iyo wasiirada galmudug ayaa dadka siyaasada indha indheeya waxa ay sheegeen in uu yahay mid sii xoojinaya khilaafka cusub ee madaxda Galmudug.

Muqdisho 28ka May 2018 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari oo Saakay ka dhacay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa la sheegay in Gaarigiisa loogu xiray Askari ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah.
Gaariga ayaa qarxay, xilli uu marayay agagaarka Isgoyska Boondheere, iyadoona uu ka bad baaday Askari watay.

Balse waxaa la sheegay in qaraxaasi uu ku dhintay Wiil yar oo magaciisa lagu soo koobay Zakariye, kaas oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa goobta gaaray qaraxa kadib, kuwaas oo howlgallo ka sameeyay halkaasi, lamana oga illaa waxa ay ku soo qabteen baaritaanadaasi.

Maalmihii dambe ayaa waxaa M/ Muqdisho ka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan, kuwaas oo qaarkood ay sheegteen Al Shabaab.

Kenta 28ka May 2018 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari oo Saakay ka dhacay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa la sheegay in Gaarigiisa loogu xiray Askari ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah.
Gaariga ayaa qarxay, xilli uu marayay agagaarka Isgoyska Boondheere, iyadoona uu ka bad baaday Askari watay.

Balse waxaa la sheegay in qaraxaasi uu ku dhintay Wiil yar oo magaciisa lagu soo koobay Zakariye, kaas oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa goobta gaaray qaraxa kadib, kuwaas oo howlgallo ka sameeyay halkaasi, lamana oga illaa waxa ay ku soo qabteen baaritaanadaasi.

Maalmihii dambe ayaa waxaa M/ Muqdisho ka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan, kuwaas oo qaarkood ay sheegteen Al Shabaab.

Maamulka Galmudug 28ka May 2018 Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carrabeey), ayaa sheegay in Khilaafka ka dhex jira Madaxda Galmudug uu Salka ku hayo Arrimo ay kamid yihiin; Dastuurka Galmudug oo lagu tuntay, Xildhibaanada Ahlu Sunna oo aan lagu soo dhisin qeybsiga Beelaha Dega Galmudug, Dastuurka oo la kordhiyay oo aan laga talo gelin isla markaana lagu qancin waxyaabaha lagu daray iyo Caasimadda Baarlamaanka uu ku shaqeynayo oo aan lagu cadeyn Dastuurka.

Xildhibaanada Galmudug waxa uu sheegay in ay ku qul-qulayaan Magaalada Cadaado, si ay kaga hadlaan arrimaha soo kordhay iyo Mustaqbalka Galmudug.

Heshiiskii Ahlu Sunna iyo Galmudug la isku biiriyay waxa uu tilmaamay in aan la dhameystirin, marka la dhameeyana la tagi Doono Xarunta Galmudug.
Cabashooyin ay ka qabaan heshiiska ayuu tibaaxay in ay gudbiyeen balse aan dhicin in laga qanciyo, isku day Xukuumadda ay ku dooneysayna in ay Xal u raadiso uu isaga soo baxay Madaxweyne Xaaf sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug waxa tilmaamay in Waxyaabaha ku dhaliyay isaga iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug in ay tagaan Magaalada Cadaado ay tahay, kadib markii ay ka war heleen Wasiirada uu ku dhawaaqoyo Madaxweyne Xaaf iyada oo aan la dhameystirin heshiiskii Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Waa markii Labaad oo ay sidaan isku qabtaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Maxamed Xaashi Cabdi Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo isku dhinac ah.

Muqdisho 28ka May 2018 Qaar kamid ah Degmooyinka Gobolka banaadir waxaa xalay ka dhacay dil iyo weerar lagu qaaday kontorool ay ku sugnaayeen Ciidamada Xasilinta Caasimadda.

Ciidamo ka tirsan Shabaab ayaa weerar ku qaaday isgoyska Ex.control Balcad ee degmada Huriwaa oo ay fariisin ku leeyihiin Ciidamadda Xasilinta caasimadda.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in ciidamo watay ugu yaraan seddex gaari ay weerar xooggan kala kulmeen rag ka Tirsan Xarakadda Shabaab balse lama oga khasaaraha ka dhashay.

Sidoo kale Ciidamo ka tirsan Shabaab ayaa xalay weerar loo adeegsaday Bambaanooyin waxa ay ku qaadeen Xarunta wasaaradda Gaashaandhigga illaa halka loo yaqaan Ceel Tusbaxlle oo kawada tirsan degmada Dayniile ee Gobolka banaadir.

Rag ka tirsan Shabaab ayaa galinkii dambe ee shalay waxay Degmadda Dharkinley ee Gobolka banaadir ay ku dileen mid kamida Ergadii soo xulay xildhibaannada Baarlamaanka DF-ka.

Suleymaan Foolyare oo kamid ahaa ergadii xildhibaannada kasoo xulay dhanka maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa la dilay xili uu kusii jeeday hoygiisa.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarada xalay iyo galinkii dambe ee shalay ka dhacay degmooyinka gobolka Banaadir sida ay baahisay idaacadda Shabaab.

28ka May 2018 Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maalmo kahor dib ugu soo laabtay dalka ayaa ku baaqay in si shruud la’aan loo joojiyo dagaalka degaanka Tukaraq oo ka tirsan gobolka Sool.

Degaanka Tukaraq waxaa isku haya ciidan ka kala tirsan maamulada Puntland iyo Somaliland, marar badan oo dagaal uu dhexmray waxaa dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in wax wanaagsan aysan aheyn iyada oo lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan in la daadiyo dhiiggga qofka muslimka ah, sidaasi darteedna loo baahan yahay in arrintan wada hadal laga galo.

Labada Madaxweyne ee maamulada Puntland iyo Somaliland C/wali Maxamed Cali (Gaas) iyo Muuse Biixi Cabdi ayuu ugu baaqay in arrintan ay door muhiim ah ka qaataan, si nabad loogu wada noolaado.

“Waxaan rabaa inaan halkan baaq nabadeed uga jeediyo walaalaha Puntland iyo Somaliland, dagaalada ku soo laab laabtay Tukaraq darteeda, oo ay ku dhinteen dad badan, waxaan joognaa bil Ramadaan, waxaan naha dad muslimiin ah, waxaa lagama maarmaan ah inaan fiirino in aysan habooneyn in dhiig muslim ah la daadiyo.” Ayuu yiri Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed.

Dhinaca kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu ka hadlay xaalada dalka uu marayo iyo khilaafka dowladda kala dhaxeeya maamul goboleedyada, wuxuuna ku taliyay wax walba in si hoose loo dhameeyo.

African union 28ka May 2018Madaxda Midowga Afrika ayaa waxaa ay walaac ka muujiyeen faragelinta dibadda ah ee ay dalal aan Afrikaan ahayn ku hayaan siyaasadda Soomaaliya.

Kaddib kulan dhexmaray Guddoomiyaha Midowga Afrika Muusa Faki Maxamed iyo Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa uu Muusa Faki kaga hadlay walaaca midowga Afrika uu ka qabo faragelinta shisheeye ee lagu hayo Soomaaliya.

Labada mas’uul ayaa waxaa ay ka wadahadleen arrimaha siyaasadda,doorashada 2020ka ee qof iyo cod,xasilinta amniga dalka, iyo xallinta khilaafaadka dowladda iyo dowlad Goboleedyada.

Muusa Faki Maxamed ayaa waxaa uu dhinacyada Soomaalida ka codsaday in ay ilaaliyaan horumarka dowladnimada Soomaaliya ee la sameeyay sanadihii la soo dhaafay.

Dhinaca kale Ra’isalwasaaraha Soomaaliya ayuu ugu baaqay in uu halkiisa ka sii wado dadaallada la dagaallanka musuqa iyo in Soomaaliya ay dib ugu laabato xubinnimada Hay’adaha Caalamiga ah ee dhinaca Maaliyadda.

Dhankiisa Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa u mahad celiyay Madaxda Midowga Afrika ee ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Waxaa uu si gaar ah u bogaadiyay Waddamada ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee Boolis iyo Milatariba leh kuwaas oo uu sheegay in ay howl geesinnimo leh ka wadaan Soomaaliya.

North Korea 28ka May 2018Saraakiil Maraykana ayaa u jooga Kuuriyada Woqooyi sidii uu u suurtoobi lahaa shir madaxeed ay yeeshaan Madaxweyne Trump iyo Kim Jong-un.

Wasaaradda arimaha dibadda Maraykanka ayaa xaqiijisay in wada xaajood ka socdo dhanka Woqooyiga ee magaalada Panmonjom ee ku taalla xadka labada Kuuriya u dhexeeya ee milatariga ka caaggan.

Danjirihii hore ee Maraykanka u fadhiyey Kuuriyada Koonfureed, Sung Kim, oo hogaaminaya weftiga Maraykanka ah yaa la shiraya Choe son Hui, oo ah wasiir ku xigeenka arimaha dibadda Kuuriyada Woqooyi.

Waxaana loo malaynayaa in shirkaas ay diirradda ku saarayaan arimaha suurto gelin kara in baab’inta nukliyeerka lagu lafo guro shir madaxeedkaas oo markii hore la qorsheeyey in uu ka dhaco Singapore bisha June.

Xog BBC-du heshay ayaa iyaduna tibaaxaysa in ay suurto gal tahay in Isniinta wadahadallo kale oo dheeraad ahi qabsoomaan.

Tan iyo markii Madaxweyne Trump todobaadkii hore sheegay inuu baajiyey shir madaxeedkaa, ayaa labada dhinacba la moodayey in ay isku dayeyaan in la suurto geliyo in qorshaha sidiisii lagu soo celiyo

Labada hoggaamiye ee Kuuriyada Woqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa iyaguna waxay si lama filaan ah ugu kulmeen isla magaaladaa xadka ku taal, waxaana wararku sheegeen in kulankaa uu codsaday Kim Jong-un.

Intii wada hadalladu ay socdeen madaxweyne Moon waxaa uu sheegay in Mr Kim uu si xoog leh u doonayo in dhulka Kuuriya laga dhigo meel hubka nukliyeerka ka reebban laakiin aanu hubin in Washington ay dammaanad qaadeyso nabadgelyada xukuumaddiisa.

Si kastaba ha ahaatee, mar la weydiiyay in Mr Kim ay ka go’an tahay inuu iska dhiibo hubkiisa nukliyeerka oo dhan, madaxweyne Moon waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in Maraykanka iyo Kuuriyada woqooyi ay wada hadal yeeshaan si ay u caddeeyaan ujeeddooyinkooda.

Waxaa uu intaas ku daray in labada Kuuriya ay doonayaan inay Maraykanka kala shaqeeyaan in la gaaro bayaan rasmi ahaan lagu soo afjarayo dagaal Kuuriya ka jiray kudhowaad 70 sano.

Mr Moon waxaa uu shirka jaraa’id qabtay maalin kaddib markii uu shir-madaxeedka la yeeshay hoggaamiyaha Kuuriyada woqooyi:

Kaddib markii uu horraantii toddobaadkan joojiyay shir-madaxeedkii ka dhici lahaa, madaxweyne Trump waxaa uu haatan sheegay in arrintu si wanaagsan u socoto, ayna eegayaan in shirkaasi qabsoomo bisha June 12-keeda sida uu qorshuhu ahaa.

Muqdisho 28ka May 2018 aliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa kormeeray Ciidamo cusub oo tababar uu uga socdo Dugisga tababarka Ciidanka Booliska ee Gen Kaahiye.

Ciidankaan oo la isugu keenay Xarunta gaadiidka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa salaam sharaf waxay halkaasi ku siiyeen Taliyeyaasha Ciidamada Asluubta iyo Booliska, waxayna soo bandhigeen gaada ka ciyaar iyo dhoola tusk a turjumaya casharada la baro.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo Ciidankaasi la hadlay, ayaa sheegay in ujjeedka loo tababarayo ay tahay inay noqdaan kuwa shacabka Soomaaliyeed ay ku faa’iidaan, islamarkaana looga baahan yahay in Qaranka si daacad ah ay ugu adeegaan.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan, ayaa Ciidanka tababarka uu u socdo u jeediyey khudbad dardaaran ah, waxaana uu u sheegay inay yihiin jiil cusub oo laga rabo in Qaranka lafdhabar ay u noqdaan.

Sh/Dhere Iyo Galgaduud 28ka May 2018 Xiisadaas dagaal oo ka taagan xadka u dhaxeeya Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa u dhaxeysa laba maleeshiyo beeleed oo horay u wada dagaalamay.

Wararka ay dayniile ka heleyso tuulooyin hoostaga degmada Matabaan ayaa waxa ay sheegayaan in xiisadaas ay ka dambeysay kadib dilal aanooyin qabiil ah oo ka dhacay tuulooyinkaas.

Xildhibaan Nuur Xaashi Warsame oo ka mid ah Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa ugu baaqay dhinacyada dadka iska dilay in ay xiisada qaboojiyaan.

Waxa uu sheegay in beelahaas oo horay u wada dagaalamay dhawaan lagu heshiisiiyey degmada Matabaan balse waqtigii la geliyey uu haatan noqday mid aan waxba ka jirin,isla markaana uu dalbanayo in xaalada la dejiyo ama ciidan dowladeed la kala dhex dhigo.

https://www.youtube.com/watch?v=SUJTCY5PVjQ

WARARKA MAANTA 27ka May 2018 Sir Culus!

Su’aallaha Maanta: Maxuu khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” uga codsaday in Madaxweynaha Maamulka #Somaliland G/Sare Muuse Biixi loo soo dhiibo sidii Qalbi-Dhagax haddii uu soo galo dhulka Ethiopia? Maxay tahay sababta qarsoon ee khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” u tagay Addis Ababa oo uu ka codsaday in aan la soo dayn G/Sare Cabdikariim Shiikh Muuse “Qalbi-Dhagax”? Maxuuse khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade”u diiday in shacabka Gobalka Banaadir yeeshaa Dowlad Gobaleed? Yaase biisha dakhliga/canshuurta laga soo uruuriyo gobalka Banaadir? Maxuuse u rabaa inuu khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” badalo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Yariisoo oo ka dalbaday in la dhimo dhaqaalaha sida bilaashka ah ee dad aan dowladda wax hawl fiican u hayn ugu raaxaysanayaa hoteelo qaali ah? Meeqo nin/raf ka tirsan Ururka Argagixisadda Al-Shabaab ayaa weli u shaqeeya Xafiiska Raysal Wasaaraha?

Muqdisho 27ka May 2018 Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ku baaqay shir deg deg ah oo xal looga gaarayo Khilaafka ka dhex aloosan Madaxda maamulka Galmudug.

Mr Sabriye ayaa shaaca ka qaaday in shirkaan uu qabsoomi doono 30-ka Bishaan oo ay naga xigto muddo 3 Cisho ah.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka digay saameyntya ay yeelan karto haddii uu Garab uu ka baaqsado shirkaasi.

Maamulka Galmudug ayaa ka mid ah maamulada ka jira dalka hase ahate wa maamulka ugu liita ee dowlada Federaalka soomaaliya hoos yimaada waxaa la tilmaama in ay ka jirto Maamul xumi iyo Hogaamiye la isku waafaqsan yahay.

Ugu dambeyn Mudane Cabdi Maxamed Sabriye Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Somalia ayaa ugu baaqay Madaxda maamulka Galmudug in ay ka shaqeeyaan horumarka maamulkaasi.

Sacuudiga 27ka May 2018I Isbahaysiga uu Sucuudiga hoggaamiyo ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yaman ayaa sheegaya in ay fashiliyeen weerar la doonayay in lagu fuliyo diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Abha ee ku taalla Koonfurta dalka Sucuudiga.

Arrintan ayaa ku soo beegmeyso saacado uun kaddib markii fallaagada Xuutiyiintu ee dalka Yaman ay sheegeen in ay weerar dhanka cirka ah ay ku qaadeen garoonkaasi, arrintaa oo sida ay sheegeen carqaladeysay duulimaadyo dhawr ah.

Isbahaysigan uu Sucuudiga hoggaamiyo ayaa beeniyay in hawlaha garoonkaasi ay istaageen balse xog laga helay qeybta diyaaradaha laga hago ayaa sheegeysa in muddo kooban duulimaadyada dib loo dhigay.

Fallaagada Xuutiyiinta ayaa bilihii la soo dhaafay aad u kordhiyay tirada sawaariikhda ay ku ridayaan gudaha Sucuudiga.

Dowladda Sucuudiga ayaa ku adkeysanaysa in dowladda Iiraan oo taageerto Xuutiyiinta Yaman ay tahay in ay qaadato mas’uuliyadda weeraradaasi.

Ethipia 27ka May 2018I Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Axmed Cali, ayaa sheegay inuu cafis u fidiyay Andargachew Tsige, oo ahaa xog-hayaha guud ee Ururka Ethiopian opposition movement, Patriotic , oo loo yaqaan Ginbot 7.

Andargachew Tsige, ayaa lagu xukumay dil Sanaddii 2009-kii, balse wuxuu Dowladda u gacan galay markii ay sirdoonka Itoobiya ka qabteen Garoonka Diyaaradaha Dalka Yemen June 2014-kii, markaas oo uu kusii jeeday Dalka Eretrea.

Ginbot 7, oo ka mid ah dhowr Urur oo ay Dowladda Itoobiya ku dartay Liiska argagixisada ayaa lagu eedeeyaa inuu Gacan saar dhow la leeyahay Dowladda Eretrea oo ay cadaawad xumi ka dhaxayso xukuumadda Addis ababa.

Ninkan oo asal ahaan kasoo jeeda Qoomiyadda Tigreega ayaa haysta dhalashada Dalka Ingiriiska, waxaana soo sii deyntiisa dedaalla badan ku bixisay Dowladda Britain, wuxuuna sheegay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed inaysan wax faa’iido ah u lahayn xarigga Andargachew  Tsige, oo haysta Jinsiyad Dalka UK oo Gacan saar la leh Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa dhawaan soo deysay xubno isugu jira siyaasiyiin waaweyn iyo suxufiyiin loo xiray siyaabo kala duwan, taasoo qayb ka ah ballan qaadyadii Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ee ahaa inuu la imaanayo furfurnaan siyaasadeed.

Muqdisho 27ka May 2018Iyada oo weli ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysay ciidamada Maamulada Puntland iyo Soomaaliland deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxaa dagaalkaas ka hadlay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa sheegay in dagaalkaas uu yahay mid dhibaato mooyee aan  wax faa’iido ah aan laga dhaxleyn.

“Horay ayaan u sheegay oo aan usheegay in dagaal in lagu tirmo mooyee aan lagu tarmeyn,welina waa uu socdaa aniga weli waxaan la yaabanahay waxa lagu arkay tukaraq ee daka loogu leynayo,waxana leeyahay Alle ka baqa oo dadka dagaalka ka daayo ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Waxa uu sheegay in dagaaladaas ay sababi karaan qax iyo dhibaato laakin ay muhiim tahay in dadku ay nabad qaataan,isla markaana ay wada noolaadaan.

In kastoo baaqyo kala duwan ay soo baxayaan taas oo ku saabsan in la joojiyo dagaalka tukaraq ayaa hadana madaxda Maamulada Puntland iyo Soomaaliland waxa ay hawada isku marsiinayaan hadalo sii hurin kara dagaalkaas.

Maamulka Galmudug 27ka May 2018 Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad goboleedka Galmudug ayaa hadalkaas sheegay xilli shalay uu dib ugu laabtay Cadaado,waxa uuna sheegay in Baarlamanka Galmudug uu yahay kii horay u jiray,isla markaana Shacabka Galmudug ay dhisteen.

Waxa uu sheegay in waqtigaan la hareer maray Dastuurkii u yaallay Galmudug,isla markaana Baarlamaanka Galmudug sidii uu horay u iclaamiyey Madaxweyne Farmaajo uu ku Shaqeyn doono Magalada Cadaado.

“Waxaan diin cadeyneyna in aanan aqoonsaneyn baarlamaan aan aheyn kii Galmudug ee Cadaado lagu dhisay,waana kii ehystay dastuurkii in ka badan 800 oo Ergo ay ansixisay,iyo Dastuurka rasmiga ah ee dowlad goboleedka Galmudug,Anagana ma ogolaan doono DAstuurka khilaafsan Dastuurka dowladda Soomaaliya ayuu yiri Cali Gacali Casir.

Sikastaba 26-kii Bishii Maarso ee Sanadkaan ayaa munaasabad ka dhacday Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug waxaa lagu mideeyey baarlamaanada Galmudug iyo Ahlusunna kuwaas oo gaaraya ilaa 178 Xildhibaan,waxana Maanta diiday oo kasoo horjeestay guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

Turkiga 27ka May 2018 Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in saldhigga ay ku leedahay Soomaaliya iyo howlaha kale ee ay ka waddo Soomaaliya aysan ahayn mid ay ka leedahay ujeeddo dhinaca tartanka Quwadaha ku dagaallamaya maamulka Caalamka.

Agaasimaga guud ee laanta xiriirka Afrika ee Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Turkiga Ahmet Riza Demirer, oo wareysi siiyay Wakaaladda Wararka Anadolu Agency ayaa kaga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo siyaasadda Trukiga ee Afrika.

Ahmet Riza Demirer, waxaa uu sheegay in Soomaaliya aysan ahayn meel uu caalamka ku tartamo Turkigana uusan tartan u joogin.

Waxaa uu ka jawaabayay su’aal ahayd sida dalalka deriska iyo caalamka intiisa kale ay u arki karaan Saldhigga Turkiga ee Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay tahay dal 30kii sano ee la soo dhaafay ay dhibaato ka jirtay Turkigana uu u tagay in uu kaalmeeyo Dadka Soomaalida ah oo uu sheegay in ay yihiin kuwo tayo badan oo aan isdhiibin.

Waxaa uu intaas ku daray in Dadka Soomaalida iyo Caalamkaba ay ka warqabaan sababta uu Turkiga u joogo Soomaaliya iyo shaqada uu ka hayo.

Saldhigga Turkiga ee Muqdisho ayuu sheegay in ujeedada laga leeyahay tahay kaliya in lagu tababaro Ciidamada Soomaalida ah si ay amniga dalkooda wax uga qabtaan islamarkaana ay dowladda Soomaaliya noqoto mid amaankeeda iyada maamulata.

Ahmet Riza Demirer ,waxaa uu sheegay in Waddamada Imaaraadka,Mareykanka , Ingiriiska iyo kuwo kaleba ay tababaraan Ciidamada Soomaaliya,laakiin tababarka Turkiga uu ka duwanyahay tababarrada ay bixiyaan dalalka kale.

Waxaa uu ku tilmaamay in ujeedada tababarka Turkiga tahay in xal kama dambeys ah loo helo amni xumada Soomaaliya ka jirta,waxaana uu intaas raaciyay in ujeedada saldhigga uusan ahayn mid qorshe gaaban ku dhisan.

Midowga Yurub 27ka May 2018 War kasoo baxay Midowga Yurub ayaa ka digay in khilaafka ka dhex jira waddamada Khaliijka Carabta uu saameyn ku yeesho dadaallada nabadda ee ka socda Bariga Afrika.
Alexander Rondos, oo ah ergeyda Midowga Yurub u qaabilsan Gobolka Bariga Afrika ayaa sheegay in khilaafka soo billowday Sanad ka hor ee Waddamada Carabta ay muuqato saameynta uu ku yeeshay waddamada kale ee Gobolka Bariga Afrika.
Alexander Rondos,ayaa ka digay in khilaafka diblmaasiyadeed ee Carabta uu wiiqo dadaallada Beesha Caalamka ka waddo Soomaaliya sida amniga iyo dib u dhiska dowladda Soomaaliya.
Waxaa uu xusay in Midowga Yurub uu ka walaacsanyahay khilaafka u dhaxeeya dowlad Goboleedyada iyo dowladda Federaalka ah,kuwaas oo laftooda la kala saftay dhinacyada Carabta.
Waxaa kale oo uu intaas ku daray in Koofurta Suudaan iyo Burundi ay ka midyihiin dalalka ay saameynta ku yeelan karto khilaafka khaliijka Carabta.

Maamulka Galmudug 27ka May 2018 Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa si kulul uga hadlay eedeyn Manata uga timid Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo Madaxweyne Kuxigeenkiisa.

Cali Gacal Casir iyo Maxamed Xaashi Carabeey oo Saaka shir Jaraa’id ku qabtay Cadaado ayaa Madaxweyne Xaaf ku eedeeyay inuu u eexday AHlu-Suna uuna hareer maray dastuurka Maamulka uyaalay, waxeyna ku eedeeyeen inuu hareer maray awood qeybsiga beelaha ee Galmudug.

Axmed Ducaale Geele (Xaaf) oo ay garab Fadhiyeen Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Gudoomiye Kuxigeenka labaad Xareed Cali Xareed iyo xubno kale ayaa sheegay iney talaabo qaldan eheyd go’aanka Cadaado.

Waxa uu sheegay in Masuuliyiinta hadashay ay goobjoog ka ahaayeen Heshiiskii Jbauti iyo kii Madaxtooyada Somaliya balse uusan garaneyn waxa soo laba kacleeyay Maadaama dhameystirka heshiiskaas oo lagu qabtay Dhuusa-Mareeb xaadir lagu wada ahaa.

Xaaf ayaa faray Shacabka Cadaado iney iska soo eryaan Carabeey iyo Casir, isagoo sheegay iney Magaalada utageen sidii dagaalo u abaabuli lahaayeen.
Dhinaca Kalena, Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in Cali Gacal Casir uu ubaxay Safar Caafimaad oo Muqdisho ah, Carabeey uu safar u aadan Nairobi isagoo uga sii gudbayay Mareykanka, balse aanu garaneyn waxa laga doonay Magaalada Cadaado.

Si Kastaba, Galmudug ayaa hada umuuqata iney laba garab noqotay oo ay ku kala shaqeynayaan Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusa-Mareeb, waloow Wasaarada arimaha gudaha maanta ku dhawaaqday SHir lagu xalinayo Khilaafka soo cusboonaaday.

Gedo 27ka May 2018 Dhibaatada ugu daran ee waqti xaadirkani ay ka cabanayaan dadka ku dhaqan degmada Ceelwaaq iyo deegaanada hoos yimaada ayaa waxaa ka mid ah cudurada Shubanka,Malaariyada iyo Jadeecada oo degmadaasi ka dilaacay muddo iminka laga joogo ilaa Tobon maalin.

Inta la og yahay todobo ruux oo ay ku jiraan caruur ayaa cuduradaasi ugu geeriyootey degmadaasi,halka tiro intaasi ka badana ay la liitaan.

Deegaanada ugu daran ayaa waxaa ka mid ah Buusaar,Garsaal,Geriley ,Cawasquran iyo dhulka miyiga ah sida uu Radiyaha Shabelle u sheegay Sahal Macalin Aden oo ah G/Ku xigeenka Maamulka degmada Ceelwaaq,
Dhibaatooyinkani ayuu sheegay in ay ka dhasheen raadadkii ay reebeen abaaraha iyo Roobabkii daadadka watey ee ka da,ay deegaanka,arimahaasi oo is biirsadey ayuu sheegay in ay sabab u tahay in Cudaradaasi ay ka dilaacaan deegaanka,

Sool 27ka May 2018 gobolka Sool ayaa sheegaya in markale maanta dagaal uu ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolkaasi.

Dagaalka ahaa mid kooban ayaa waxaa la sheegay in Ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Puntland uu ku dhexmaray gudaha deegaankaasi.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi, mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay labada maamul oo ku aadan iska hor imaadkaasi.

Xiisad kacsanaan ayaa weli laga dareemayaa deegaanka Tukaraq oo ay weli isku hor hor fadhiyaan Ciidamo ka wada amar qaata soomaaliland iyo puntulaand waxaana la fili karaa in uu dib u bilaawdo dagaal hadii aysan u nixin shacabka sooman ee degaankaas ku dhaqan.

Koonfur Afrika 27ka May 2018 Koox Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa xalay fiidkii gaar ahaan xilligii afurka waxa ay weerar ku qaadeen goob ganacsi oo ay lahaayeen muwaadiniin Soomaali ah oo ku taala degaan u dhaw magaalda Pretoria ee dalka Konfur Afrika.

Muwaadiniinta la weeraray oo laba ahaa ayaa xilligaasi waxa ay ku sii jeedeen aqaladooda, waxayna waqtigaasi gaari yar ay ka raaci rabeen afaafka hore ee goobtooda ganacsi, balse inta aysan dhaqaaqin ayaa dabley madow ah rasaas ay ku furtay, halkaasi waxaa ku geeryooday Hal qof, kaasi oo lagu magacaabi jiray Khaliif Maxamed Jimcaale.

Dad goobjoogayaal ah ayaa inoo sheegay dilka kadib muwaadinka kale ee la socday ninka la dilay inuu la soo baxay qori gaariga u saarnaa, intasi kadibna burcada oo laba heyd uu mid ka toogtay, midka kalena uu dhaawacay.

Ehelada Marxuum Khaliif Maxamed Jimcaale ee ku sugan Muqdisho ayaa sheegay in wiilkooda uu laba todobaad kahor Muqdisho ka baxay, kadib markii dhawaan uu guursaday, balse qadarta alle ay ku qabsatay Koonfur Afrika, iyada oo guurkiisa laga joogo waxyar.

Iidle Aadan Colaad oo ka mid ah Ganacsatada ayaa waxa uu sheegay in ganacsatada ay bilaabeen in goobahooda ganacsiga in ay ku xiraan Muraayadaha aan xabada karin si loo badbaadiyo nafta dhalinyarada ka shaqeysa halkaasi.

Alle ha u naxariistee Marxuum Khaliif ayaa waxaa lagu aasayaa Qabuuraha Muslimiinta ee Magaalada Pretoria gelinka dambe ee maanta, waxaana aaskiisa ka qeyb galaya Masuuliyiin ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed.

Waa muwaadinkii Soomaaliyeed ugu horeeyay ee lagu dilo dalka Koonfur Afrika, tan iyo markii la guda galay bisha barakeysan ee Ramadaan, weli waxaa muuqata in ay socoto dilalka loo geysanyo dhalinyarada Soomaalida ah.

Qatar 27ka May 2018 Dowlada Qatar ayaa ku dhawaaqday in ay guud ahaan mamnuucay Badeecadaha ay soo saaraan dalalkii Sanadii hore ku dhawaaqay in ay go’doomiyen.

Xukuumadda Qatar ayaa amar ku bixisay in badeecadaha ay soo saaraan dalalka Sucuudiga, Imaaraat-ka, Baxrayn iyo Masar ee lagu iibinayo dukaamada waawayn ee laga saaro.

Wasiirka Wasaaradda dhaqaalaha Qatar ayaa warbixin uu soo saaray  ku amray in badeecadaha afartaa dal laga soo dhoofiyo, dalka si deg deg ah looga saaro.

Waxa ay Arintaani daba socotaa khilaafka diblomaasiyadeed ee dhex yaalla Qatar iyo wadamadaas.

Qatar waxay kaga gaashaamatay cunaqabataynta dhaqaale ee ay afartaa dal ku soo rogeen, hantideeda badan iyo badeecadahii ay ka joojiyeen oo ay ka ka heshay Turkiga iyo Iran.

Real Madrid 27ka May 2018 Real Madrid ayaa hanatay koobka Champions League markii seddaxaad oo xariir ah kadib markii ay guul kagareen dhigooda Liverpool  cayaar ku dhamaatay  3-1.

Qeybta kowaad cayaarta ayaa lagu kana nastay 0-0.

Kooxda Liverpool waxay soo bandhigay cayaar sareysa daqiiqadii hore ee kulanka iyagoo sameyay isku dayo dhawr ah laakiin ma suura galin inay wax gool ah helaan.

Fursadii ugu fiicneed ayaa laga badbaadiyay daafaca Liverpool ee Trent Alexander-Arnold kasoo darbad xoogan goolka turuuray taaso aheyd mid markii hore uu ka hor istaagay Rasom laacibka Firnimo.

Real Madrid aad ayay u yareen fursadahooda qeybta hore inkastoo laga diiday gool dhamaadka kaambiyaha kowaad markii kubbad uu madaxeyay Cristiano Ronaldo taasoo uu badbaadiyay goolhayaha Liverpool misena uu goolka ku dhameystiray Karim Benzema.

Qeybta dambe cayaarta ayaa dib u bilaabatay iyadoo Real Madrid ay dardar xoogan kusoo gashay waxan furay halis ah birta ku dhiftay xiddiga Isco.

Balse daqiiqadii 51-aad waxaa dhashay goolka kowaad ee cayaarta kadib kubbad uu baaso ilahaa goolhayaha Liverpool laakiin waxaa lug u dhigay karim Banzema oo sidaas hogaanka ugu dhiibay Real Madrid.

Wax badan siima heyn hogaanka kooxda Real markii ay Liverpool heshay barbarha goolka waxaa dhaliyay Sedo Mane kasoo dhameystiray Kubbad uu soo Madaxeyay daafaca Dejan Lovren oo koorno aheyd.

Jawi cayaarta ayaa mar qura isbadal markii uu dhabal ku dhaliyay goolka labaad ee cayaarta wiilka badalka ugu soo galay Real Marid ee Gareth Bale kasoo ka kulmay diib uu soo dhigay Marcelo daqiiqadii 64-aad.

Liverpool ayaa isku dayday inay soo barbare goolka lagu hogaaminayay balse daafaca adage e Real Madrid ayaa sameysay difaacshao fiican.

Balse wax

WARARKA MAANTA 24ka May 2018 Sir Culus!
Su’aallaha Maanta: Meeqo lacag ah ayeey ku baabi’inayaan khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raamsade” Maxuu Madacweynaha Iyo Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo “Been-Hawaas” inay isku-baabi’iyaan awoodaha ciidamada Maamulka Somaliland Iyo Puntland si ay ciidamo federaal ah loo geeyo dhulkaas oo kadibna la baabi’iyo dastuurka federaalka? Maxuuse Guddoomiyaha cusub Mudane Mursal Shiikh “Bakhti-Uroone” uga hadli layahay sidii loo joojin lahaa dagaalka Maamulka Somaliland and Puntland? Maamulka Somaliland Mudane Korneyl Muuse Biixi ugu soo duulay dhulka #Khaatumo State? Maxuuse Madaxweynaha Maamulka Puntland State Mudane Dr. Cabdiweli Cali Gaas u diidan yahay inay Dowladda Soomaaliya u aqoonsato Maamulka Khaatumo State maamul gobaleed la mid ah sida Maamulka Somaliland, Maamulka Puntland ama maamulada kale ee dalka ka jira?

Muqdisho 24ka May 2018 Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magacaabay 1;3 Wasiir kuwaas oo isugu jira Wasiirro,wasiir ku xigeenno iyo wasiiru dowlayaal.

Waxaa ay kala yihiin 6; Wasiir,5; wasiir ku xigeen iyo labo wasiiru dowle,kuwaas oo ka mid noqonaya xukuumadda Xasan Cali Kheyre.

1. Wasiirrada waxaa ka mid ah Xamze Siciid Xamze oo loo magacaabay Wasiirka Gargaarka iyo ka hortagga Musiibooyinka,waa Xildhibaan,waxaana uu kursiga ka beddelay Maryan Qaasim oo Bishii November ee sanadkii hore iska casishay xilkaas.

2. C/Rashiid Maxamuud Xasan,waa wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo ka hortagga Musoobiiyinka,waa xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya.

3. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Aadan Isaaq Cali,waa Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya.

4. Xasan Macalin Xuseen Wasiirka Ow-qaafta Arrimaha Diinta,waa Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya.
5. Xasan Cali Maxamed Wasiirka Gaashanadhigga,waa Wasiirka ugu da’da yare e wasaaraddan soo mara,waa Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya.

6. Daahir Maxamuud Geelle Wasiirka Warfaafinta,waxaa uu ahaa Danjiraha Soomaaliya ee Sucuudiga,waana Ninka kaliya ee aan ku jirin Golaha shacabka Wasiirrada xalay la magacaabay.

7. C/casiis C/llaahi Maxamed Wasiirka Tamarta iyo Biyaha, waxaa uu iska casilay wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha,waxaa uu ahaa ninka 3aad ee ugu codka badnaa doorashadii guddoonka Golaha shacabka,waa Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka.

8. C/fataax Maxamed Ibraahim Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta,waa xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya.

9. Daahir Cabdi C/llaahi Wasiiru dowlaha Ganacsiga iyo Warshadaha,waa Xildhibaan ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya.

10. Maxamuud Maxamed Buunow Wasiiru dowlaha Amniga,Waa Xildhibaan ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya.

11. Isxaaq Maxamed Maxamuud Wasiir kuxigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka,waa Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya.

12. C/raxmaan Iidaan Yoonis Wasiir kuxigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta,waxa uu ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,waana xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka.

13. Maxamed Saciid C/llaahi Wasiir kuxigeenka Caafimaadka,waa Xildhibaan ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya..

Maxaa cusub?.

13; ka Wasiir ee la magacaabay kuma jiro Qof Haween ah,waxaana ay tani saameyn taban ku leedahay saamiga Siyaasadda Haweenka ee 30%.
Safaaradaha Soomaaliya ee banaan waxaa ay ahaayeen 12; Safaaradood hadda waxaa ay noqonayaan 13,waxaana ku biiraya Safaaradda Sucuudiga ee uu ka soo tagay Daahir Maxamuud Geelle oo loo magacaabay Wasiirka War faafinta.

Wasiirradii isu casilay rididda Guddoomiyihii hore ee Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,waxaa ka soo laabtay hal wasiir oo ah C/Casiis Lafta Gareen.

Wasiirkii Howlaha Guud Saadaq Cabdullahi Cabdi waa wasiirka kaliya ee la eryay,waxaa uu xilkan hayay 9; bilood oo kaliya,waxaa uu beddelay Cabaas Sheekh Siraaji oo 3dii May 2017 lagu dilay Muqdisho,waxaana hadda lagu beddelay C/Fitaax Geeyseey.

Wasaaradda Gaashaandhigga waxaa ay yeelatay Wasiirkii saddexaad muddo sanad iyo bil ah,waxaana ay tahay Wasaaradda ugu badan ee la isu beddelay Xukuumadda Kheyre.
Pakistan Iyo Somalia 4ka May 2018 Dowladaha Pakistan iyo Somalia waxay shalay ku kala saxiixdeen Xafiiska Ra’isul-wasaaraha Pakistan, Shaahid Khaqan Cabaasi Heshiis qiimihiisu dhan yahay 10.5 million oo Dollar oo lagu horumarinayo Nidaamka Waraaqaha Aqoonsiga Somalia (The National ID system) iyo in Taageero Farsamo laga geysto Horumarinta Nidaamka Aqoonsiga Muwaadiniinta Soomaalida.

Munaasabadda lagu saxiixay Heshiiskaasi waxaa dhinaca Somalia goobjoog uga ahaa Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha, C/llaahi Faarax Wehliye, Madaxa Mashruuca Kaararka Aqoonsiga. Nuur Diiriye Xersi, Danjiraha Somalia u joogta Pakistan, Khadiija Maxamed Al-makhzuumi iyo Saraakiil sarsare oo ka tirsan Safaaradda Somalia ku leedahay dalka Pakistan.

Dhinaca kale, Madaxda Dowladda Pakistan ee goob-jooga ka ahayd Saxiixa Heshiiskaasi waxaa ka mid ahaa Wasiirka Maaliyadda, Miftaax Ismaaciil, Kaaliyaha Khaaska ee Ra’isul-wasaaraha Pakistan, Dr. Musadiq Maalik, Xoghayaasha Waaxyaha Maaliyadda iyo Arrimaha Gudaha ee dalkaasi iyo Guddoomiyaha Shirkadda NADRA iyo Saraakiil kale.

Sidoo kale, Hay’adda Pakistan ugu qaabilsan Xogaha Asaasiga Qaranka iyo Diiwaan-gelinta ee National Database and Reg-istration Authority (NADRA) waxay taageero ka geysan doontaa Horumarinta Teknoolajiyadda, Software-ka iyo qalabka u oggolaanaya Dowladda Somalia inay yeeshaan Xogaha Qaranka iyo Nidaamka Diiwaan-gelinta Muwaadiniinta Somalia.

Teknoolajiyadaasi waxay kaloo Somalia ka taageeri doonaan Nidaamka Maaraynta Xuduudaha iyo Doorashooyinka.

Muqdisho 24ka May 2018 Maxkamadeynta Seddax eedeysane oo loo heysto weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Hotel Naasa Hablood labo 28 October 2017 ayaa lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Muqdisho.

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa qaaday kiiskan loo heysto eedeysanayaasha kala ah:- Fraxaan Maxammed Samatar, C/naasir Dhaqane Xasan iyo Abshir Maxamed Xaaji Buule, waxaana dhammaantood xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ku soo eedeeyeen in ay ka dambeeyeen weerarkii lagu qaaday Hotel Naasa Hablood labo kadib 14 October weerarkii ugu dhimashada badnaa ee abid ka dhacay Soomaaliya.

Xafsiika xeer ilaalinta ayaa u sheegay garsoorayaasha iyo dhinacyada kale ee ka qeyb galayay dhageysiga dacwadda in raggan la soo qabtay xilli ay ku guda jireen fulinta weerarkaasi.

Su’aallo la weydiiyay eedeysanayaasha ayay ku qirteen in ay ka dhammaatay rasaasta ay u isticmaalayeen xasuuqa , waxa ayna dalbadeen in la cafiyo.

Qareenada difaacayay ayaa ku dooday in la marin habaabiyay oo aysan iyaga doorashadooda kaga mid noqon Al-shabaab hasa ahaate ay jeclaan lahaayeen in loo naxariisto kol hadii ay qirsan yihiin in ay geysteen weerarkaasi dadka badani ku dhinteen.

Intii ay socotay Maxkamadeynta ayaa sidoo kale waxaa la dhageystay markhaatiyaal ay ka mid yihiin saraakiisha ciidamada amniga ee soo qabtay eedeysanayaasha iyo shacab kale.

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u sheegtay dhammaan dhinacyada ka qeyb galayay dhageysiga eedda in ay go’aanka Maxkamadda dib ka soo saari doonaan.

28 October sanadkii hore weerarkii lagu qaaday Naasa Hablood Labo waxaa ku dhintay 17 qof oo isugu jiro Siyaasiin xilal soo qabtay iyo kuwa kale, xildhibaan hore, Saraakiil ciidan, Haween iyo Caruur, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay inta la xaqiijiyay 40-qof.

Muqdisho 24ka May 2018 Guddiga Arrimaha Guddaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka ayaa Kulan la qaatay Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxmed Abuukar Islow Ducaale iyo saraakiisha ciidamada Qalabka sida.

Kulanka oo ay shir-Guddoominaysay Guddoomiyaha Guddigaasi ayaa diiradda lagu saaray wada shaqeynta guddigaasi iyo hay’adaha amniga qaabilsan, si la isaga kaashado sugidda amniga dalka.

Intii kulanka uu socdo ayaa waxaa warbixin ku saabsan xaaladda guud ee amniga dalka laga dhageystay Wasiirka Amniga Soomaaliya, isagoo guddiga faah faahin ka siiyay xaalaga amniga ee Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxmed Abuukar Islow Ducaale ayaa xubnaha guddiga amniga Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u sheegay in ay jiraan guulo badan oo laga gaaray dhinaca nabadgeliyada, islamarkaana ay ka go’an tahay sidii loo dardargelin lahaa xoojinta amniga guud ahaan dalka.

Kulankani ayaa imaanaya iyadoo magaalada Muqdisho ay ka soconayaan howlgal ballaaran oo ku aadan sugidda amniga caasimadda, loogana hor tagayo falalka lidiga ku ah ammaanka.

Tukaraq 24ka May 2018 Waxaa joogsaday xabaddii tooska ahayd ee u dhaxaeysay ciidamada Puntland iyo Somaliland ee saakay ka billaabtay degaanka Turka-raq ee gobolka Sool, hasayeeshee la sheegayo inay jiraan rasaas teel teel ah oo ay is weedaarsanayaan labada dhinac. waxaa jira khaasare aan la cayimin oo uu sababay dagaalka, waxaana wararka ay sheegayaan inay jiraan dhimasho iyo dhaawac kuwaas oo u badan dhinacyadii dagaalamayay.
Dagaalkii ayaa saakay soo bilowday 05:30am islamarkaana socday illaa 08:55am, waxaana maamulada Puntland iyo Somaliland oo ka hadlay ay dhinacba dhinaca kale ku eedeeyay inuu masuul ka yahay dagaalkii saakay, war qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri”Dawladda Puntland waxay caddeynaysaa in mas’uuliyada dagaalkaas uu qaadayo Maamulka Hargeysa oo ah duulaaan joogto ah, isla markaana Puntland ay difaacayso dalkeeda iyo dhulkeeda.”Dhinaca kale Somaliland ayaa sheegtay in Puntland ay ka faa’iideysanayso Inta ay ku mashquulsan yihiin gargaarka dadka ay duufaannadu ku dhufteen, isla markaana ay weerar kusoo qaadeen, Wasiirka warfaafinta Cabdiraxmaan Cabdillaahi Guri-barwaaqo Ayaa sheegay in ciidanka Somalilland saddex dhinac laga soo weeraray balse ay jabiyeen ciddii soo weerartay.Inkastoo hadda xaalka uu yahay mid aan dagaal toos ah socon haddana markasta waa wax la filankaro maadaama welli ay is hor fadhiyaan ciidamada rasaas goos goos ahna uu ay is weedaarsanayaan.
Puntland Iyo Somaliland 24ka May 2018 Dagaal xoogan oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa saaka ka bilowday deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Ugu Horreyntii dowlad goboleedka Puntlnad ayaa war ka soo saartay dagaalka, qoraal loo qeybiyay warbaahinta waxaa ku jiray “Dawladda Puntland waxay u sheegaysaa ummada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka in saaka arooryo abaaraha 5.30 subaxnimo ay marka kale Soomaaliland soo weerartay ciidamada Puntland ee ku sugan deegaanka Tukaraq.

Dawladda Puntland waxay caddeynaysaa in mas’uuliyada dagaalkaas uu qaadayo Maamulka Hargeysa oo ah duulaaan joogto ah, isla markaana Puntland ay difaacayso dalkeeda iyo dhulkeeda.

Dawladda Puntland waxay u sheegaysaa shacabkeeda dhammaan gudo iyo dibad-ba in ay garab istaagaan ciidamadooda, isla markaana ilaashadaan sharaftooda iyo dawladnimadooda duulaanka lagu yahay.

Dawladda Puntland waxay u sheeegaysaa shacab-weynaha gobolka Sool inay u diyaar garoobaan difaaca dalkooda iyo karaamadooda ee duulaanka lagu yahay.

Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guribarwaaqo) ayaa oo la hadlay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA ayaa sheegay in Maamulka Somaliya ee Puntland weerar lixdii subaxnimo ku soo qaadeen Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland.

“ Saaka Abaaro lixdii Aroornimo ayaa ciidamada cago-jiidka ah ee maamulka Farmaajo uu mar kale isku dayay inuu weerar ku soo qaado xuduudaha iyo ciidamada Somaliland ee fadhigiisu yahay Tukaraq, mar naba looma fadhiyin in dawlad Islaam ahi ama dad muslim ahi dad muslim ah xilliyada caynkaasi ah oo bishii barakaysnayd aynu jirno ay weerar ku qaadaan dhimasho iyo dhaawacba dhinac walba ka gaystaan .

Hase yeeshee iyagoo mar kale is leh ka faa’idaysta duufaannadii Somaliland ka dhacay ee ay dadwaynaha iyo dawlada Somaliland ku mashquulsan yihiin sidii loo samato saari lahaayeen sidii loo samatabixin lahaa dadkii ay dhibaatadu soo gaadhay ayay arrintaasi isku dayeen ayay Ciidamada Puntland saddex meelood weerar ka soo qaadeen Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland ,saddexdiiba waa lagu jabiyey guushana waxa leh Jamhuuriyadda Somaliland.

Dagaalka Tukaraq waxaa uu socdaa mudda bil, waxaana labada dhinac iska indho-tireen baaqyo dowli ah oo ah in la joojiyo dagaalka iyo in la dhowro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Giza 24ka May 2018 Qaza waxay hoy u tahay 1.9 milyan oo qof,dheerarka dhulkana waa 41 kilomitar, waxaana ku hareeraysan badda Mideterranean-ka, waxayna xad la wadaagta Masar iyo Israa’iil.

Horraan Qaza waxay ahayd dhul ka tirsan Masar, Israa’iil ayaa sanadkii 1967-diiqabsatay marinka Qaza xilliggaasi uu socday dagaalkii bariga dhexe.

Intii u dhexeeysay sanadihii 2007-dii illa 2014-kii kooxda Xamaas ayaa ka arriminaysay marinka Qaza, doorashadii baarlamaanka ee ka dhacday maamulka Falastiiniyiinta sanadkii 2006-dii ayay ku guulaysateen halkaaso ay xiisad ku dhexmartay garabka kale ee Fatax.

Markii ay tallada la wareegeen Ururka Xamaas, Israa’iil waxay go’doomiisay Marinka Qaza taaso saamayn ku yeelatay isu socodka dadka iyo badeecadaha gobolka. Masar waxay xirtay xadka ay la wadaagto marinka Qaza.

WARARKA MAANTA 23ka May 2018 Sir Culus!
Su’aallaha Maanta: Maxay beesha caalamka ugu diiday inay wax dhaqaallo ah la siiyo xukuummadda fashilantay ee uu hoggaaminaayo  Khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre (Bakhti-Raamsade”)? Maxuu  Khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre (Bakhti-Raamsade”) u rabaa inuu ka takhaluso dowlad gobaleedyada dalka ka jira? Sir culus uu fashilay Madaxii hore ee Xafiiska Raysal Wasaaraha Cabdirasaaq Fartaag oo hadda ak khabiir ka warama xogta shacabka ka daahson ee ay madaxda khaa’inul waddaniyiin ku kacayaan ayagoo sharciga iyo dastuurka dalka raba inay baabi’iyaan? Maxay tahay heshiiska qarsoon ee uu Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo (Been-Hawaas) la galay beesha caalamka si calanka Soomaaliya looga tirtiro xiddigta matalaysa 5 Soomaaliyeed? Maxayse tahay sabab xilka looga qaaday Giddoomiyihii hore Mudane Maxamed Shiish Cismaan Jawaari ayadoo la keenay Guddoomiya Mudane Mursal Shiikh “Bakhti-Uroone”? Yaa dowladda Kenya heshiis hoosaad la galay si arrintii dooda badda lagu xalliyo Xafiiska Urur Gobaleedka IGAD? Yaa run sheegaya #Kenya? Yaa run sheegaya Soomaaliya? Ma jirtaa inay beesha caalamka ku qasabtay in calanka Soomaaliya wax uu ka badalo Madxweyne Farmaajo :Been-Hawaas” haddii kale ay beesha caalamka u diri doonto xabso daa’in ayagoo beenka keeni doona kiis weyn oo horay uga galay gabar hadda xildhibaanad ka ah dowladda Soomaaliya? Arrimo xaas xaasi ah ayaa soo socda iyo yaa xukumma Soomaaliya? Yaase ka taliya Xarunta Xalane ee looga taliyo arrimaha iyo jiritaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya taasoo basaasiin shisheeye ah iyo hay’addooda ay amaro siiyaan madaxda Soomaalida? Aqoonyahan Cabdirasaaq oo wax badan fashili doona, yaa runta qarin kara maanta? Soomaaliya kaca oo danta guud difaaca kuwan ma ahan madaxdii dalka marka waxay u shaqaynayaa basaasiin raba inay kheyraad dalka si fudud ku dhacaan!
Muqdisho 23ka May 2018
Libya 23ka May 2018 Hay’adda Socdaalka Caalamiga ayaa sheegtay inay Kulan Wacyi-gelin ah shalay u qabteen Koox Muhaajiriin Soomaali oo la filayo in bishan 29-da dib ugu soo laabtaan magaalladda Muqdiosho.
Madaxa Xafiiska IOM ee dalka Libya, Maxamed Al-xamuusi oo la hadlay Wargeyska Libya Observer ayaa sheegay inay bilaabeen Olole Wacyi-gelin ah Muhaajiriinta Soomaalida ee sharci-darradda ku joogta dalka Libya loogu faahfaahinayo Barnaamijka IOM ee Dib-u-celinta Muhaajiriinta Soomaalida ee iskooda u go’aansda inay dib ugu soo laabntaan dalkooda hooyo ee Somalia.
Tiro ka mid ah Muhaajiriinta iskooda u go’aansaday inay ku soo laabtaan Somalia ayaa ayaa la baray Nidaamka Dhoofka ee Garoonka Diyaaradaha iyo Kaalmadda ay IOM ku taageerayso Dib u celintooda.
Muhaajiriintaasi ayaa la qorsheynayaa inay bishan 29-da ka soo dhoofaan Garoonka Diyaaradaha ee MITIGA AIRPORT oo ku yaalla Caasimadda dalka Libya ee Tripoli, waxaana la filayaa inay isla maalintaasi ka soo degaan Garoonka Aadan Cadde ee magaalladdan Muqdisho.
Hay’adda QM ugu qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR iyo Hay’adda Socdaalka ee dalka Libya waxay Bilowgii isbuucan si wadajir ah Muhaajiriintaasi u qeybiyeen Waraaqaha KMG ee Socdaalka (Temporary Travel Documents),
si loogu fududeeyo inay dib ugu laabtaan dalkooda Hooyo.
Shabelle Hoose 23ka May 2018 Wararka laga helayo gobolka Sh/ Hoose ayaa sheegaya in Xalay Ciidamada AMISOM iyo diyaarad dagaal ay duqeyn xoogan ka fuliyeen deegaanka Carbiska ee gobolkaasi.
Ciidamada AMISOM oo fariisin ku leh agagaarka Buundada Carbiska ayaa la sheegay in tiro Hoobiyeyaal ah ay ku garaaceen Xaafado hoosyimaada deegaankaasi.
Sidoo kale diyaarad dagaal oo aan la ogeyn halka laga leeyahay ayaa Xalay Saqdii Dhexe duqeyn ku gaaracday deegaankaasi.
Illaa iyo iminka ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay duqeyntaasi oo lala beegsaday Xaafado loo maleynayo in ay ku sugnaayeen Al Shabaab.
Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa ka warbixisay, sida ay wax u dhaceen wuxuna sheegayaa in duqeyn xili dambe ah ay maqlayeen deegana ka akdhaw Afgooye wuxuna sheegayaa in hawada sare maraayeen diyaarado Helokobtar ah ilaa iyo hada lama oga sababta ay duqeymahaas ula jeedaan inkastoo maalinimada shalay aheyd Ismiidaamin Qarax ah lala Eegtay Gaadiid ay wateyn kulanyo ka tirsan Ciidamada dowlada.
Maamulka Hirshabelle 23ka May 2018 Gudoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Hiiraan oo la hadlay Mustaqbal ayaa sheegay in gurma ay siinayaan qoysaskii saameynta taban ay ku yeesheen Fatahaadda iyo Daadadka ku rogmaday Magaalada Baladweyne.
Deeqda oo bilaabaneysa Maanta oo ay Taariikhdu tahay 23-Ka Bishaan oo maanta ku beegan, iyadoona ay socon doonto tan iyo inta ay gurmadka wada gaarsiinayaan dadka u baahan.
Qoysaska ayaa ku kala sugan Magaalada Baladweyne iyo Deegaanada Dhaca Duleedka, waxaana la diiwaan geliyay Dadka Kaalmada la siiyo, si qoyskii la siiyo loogu diyaariyo dib ugu laabashada Deegaanadooda.
Biyihii fatahaadda Wabiga Shabeelle iyo Daadadka ka dhashay ayaa inta badan ka guray Xaafadaha Magaalada Baladweyne, waxaana ka socda Howlo lagu nadiifinayo Wasaqda ka hartay Fatahaadda.
Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in si siman ay ugu qeybin doonaan Dadka Magaalada Deeqda loogu talagalay, waxa ayna Meesha ka saareen suurta galnimada in isdaba mareyn lagu sameeyo.
Qadar 23ka May 2018 Dowladda Qadar ayaa sheegtay in ay kordhineyso Kaalmada Joogtada ah ay siiso Soomaaliya, waxa ayna si gaar ah u kordhinayaan Afurinta Dadka ku sugan Muqdisho.
500 oo qof ayay sheegtay Safaaradda Qadar ee Muqdisho in ay ku afuriyaan Caasimadda Soomaaliya, waxaana intaa dheer ka qeyb qaadashada Mashaariicda iyo Gargaarada deg deg ah ee ay bixiyaan.
Deeqda Dowladda Qadar waxa ay ku sheegtay in ay ka imaado shacabka iyo Dowladda oo iska kaashanaya Caawinta Walaalahood Soomaaliyeed.
Kaalmada Afurinta Qadar ayaa ku eg Magaalada Magaalada Muqdisho, iyagoona sheegay in ay wali jiraan Qoysas kale oo u baahan in la Caawiyo.
Wargeyska Alraya ee kasoo baxa Magaalada Dooxa ee Dalka Qadar ayaa Daabacay in Kaalmada ugu badan ee Xukuumadda Dooxa ku bixiso Soomaaliya marka laga soo tago Mashaariicda Dhismaha ay tahay Afurinta Dadka aanan Awoodin wax ay Soonka ugu baxaan.
Dowladda Qadar ayaa Ballanqaadyo badan u sameysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana kamid ah Mashaariicda lagu dhisayo Wadooyinka Muqdisho ku xira Degmooyinka Afgooye oo Shabeelaha Hoose ah iyo Jowhar oo Shabeelaha Dhexe ah.
Muqdisho 23ka May 2018 Waxaa maanta xarunta Golaha murtida iyo wacyigelinta ee Tiyaartarka Qaranka booqasho ku ymid masuuliyiin ka tirsan Wsaaradda Warfaatinta Soomaaliya.
Kusimaha Wasiirka Wasaaradda warfaafinta Xukuumadda faderaalka ah ee Soomaaliya cabdi Raxmaan Iidaan yoonis, aya sheegay in goalah murtida iyo wacyigalinta ay dib u howl galeeyso kadib sanaddo badan oo aysan shaqayn.
Dhankakale maareeyaha Tiyatarka, Abwaan Cusmaan Cabdullahi Guure ayaa sheegay in faanaaniinta Hoboladda Waabari ay shaqadooda dib uga bilaabi doonaan Golaha murtida iyo wacyi galinta.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in Tiyaatarka lagu sameynayo dib u dayactir oo hadda Xafiisyada qaar la howlgeliyay.
Xarunta Golaha Murtida aya mudo badan bur bursanayd waxana haatan muuqanaya in dib u dhis uu ku socdo taasi oo la shegay inuu amray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo
Shabeelaha Hoose 23ka May 2018 Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Shabeellaha hoose ee maalin kahor la Magacabay ayaa markii ugu horeysay Warbaahinta la hadlay,isaga oo sheegay Shaqooyinka ugu horeeya oo uu qaban doono Maamulkiisa.
Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay in Gobolka Shabeellaha Hoose uu isbedel dhinac walba ah uu sameyn doono,sida amniga,Dhaqaalaha iyo qorshooyin kale oo dhinaca horumarka ah,isla markaana Caalamka oo dhan ay soo hiigsadaan.
Waxa uu sheegay in Gobolka Shabeellaha Hoose ay ka jiraan dhibaatooyin dhanka amniga ah balse maamulkiisa uu diyaar u yahay sugida amniga iyo la-wareegitaanka deegaanada ay gacanta ku hayaan dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Hadalka Gudoomiyaha Cuusb ee Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay falal amnidarro ka dhacayeen Gobolkaas,iyada oo shalay ay ugu dambeysay uu ka dhacay weerar Ismiidaamin ahaa.
Maamulka Puntland 23ka May 2018 Magalada Garoowe ee Xarunat Gobolka Nugaal Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in haatan kulan deg deg ah uu halkaasi uga socdo Guddiga difaaca Maamulka Puntland.
Shirkaan oo ka socda Madaxtooyada ayaa wararka aan heleyno waxa ay sheegayaan in guddigu uu markale soo saari doono go’aano la xiriira xaalada deegaanka tukaraq ee Gobolka Sool oo weli ay xiisad ka taagan tahay.
Wariyayaal ayaa haatan ku sugan Madaxtooyada Puntland ee Garoowe kuwaas oo soo sheegaya in goordhow guddigu ay go’aano soo saari doonaan,isla markaana ay ka war sugayaan.
Guddiga difaaca Puntland ayaa maalin kahor waxa ay soo saareen in la mamnuucay in Gaadiid iyo Shacab intaba ay ku safraan Wadada u dhaxeysa Garoowe iyo laas caanood gaar ahaan aaga dagaalada ay ka jiraan ee tukaraq.
Kenya 23ka May 2018 Nin Kenyaan ah oo lagu tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay Xarakadda  Alshabaab ayaa lagu soo oogay inuu qorsheynayey Weerar lagu qaado Maxkamadda MILAMAANI iyo Dhismayaal Dowladeed oo ku yaalla magaalladda Nairobi, waaa sida hadalka loo dhigay.
Dacwad-oogayaasha Maxkamadda waxay ku eedeeyeen  Francis Macharia Karishu inuu qorsheynayey inuu weerar ka geysto Kenya bishii Feberaayo 15-dii ee sannadkan, waa sida hadalka loo dhigay.
Eedeysanaha oo lagu magacaabo Francis Macharia Karishu waxa uu beeniyey dacwadihii lagu soo oogay oo kala ahaa inuu xubin ka yahay Alshabaab, inuu weerar qorsheynayey iyo inuu  Waraaqaha Aqoonsiga ee dalkaasi u sameeyey Dagaalyahan Alshabaab oo magaciisa lagu sheegay JIMA HUKA GALGALO oo mar hore la dilay, waa sida uu hadalka u dhigay.
Eedeysanaha waxaa bishan May 20-dii laga soo qabtay Deegaanka KAYOLE ee magaalladda Nairobi, kadib, markii ay Boliska Kenya sheegeen inay madaxiisa dul dhigeen lacag dhan Hal million oo Shillinka Kenya.
Caabudwaaq 23ka May 2018 Guddoomiye ku xigeenka arimaha bulshada ee degmada Caabudwaaq ee Waaqoyga gobolka Galgaduud ayaa eedeen u jeediyay maamulka Galmudug oo ku eedeeyay in ay wax u qaban wayday shacabka ku dhaqan magaalada Caabudwaaq.
Guddoomiye ku xigeenka ayaa tilmaamay in maamulka Galmudug oo wax u qabta shacabka Caabudwaaq ay u dambeysay xiligii maamulka Galmudug uu ka ariminaayay C/kariim Xuseen Guuleed oo ahaa madaxweynihii ugu horeeyay ee maamulka Galmudug.
Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka ayaa rajo xumo ka muujiyay isku dhafka maamulka Galmudug iyo ururkii Ahlu sunna Waljamaaca.
Hase ahaate Waxaa la ogyahay Maamulka Galmudug in dad badan oo maamulkaas ka mid ah aysan ku qanacsaneyn hanaanka ay u midoobayaan Ahlu suna iyo Galmudug.
Ugu danbeyn waxaana jira Beelaha qaar in ay ku dulmanyihiin inkastoo wali Godoonka Baarlamanka Galmudug iyo Madaxweyna Ku Xigeynka ay joogaan magalaada Muqdishu ayagoo ka biyo diidin habka uu wax uwado Xaaf.
Muqdisho 23ka May 2018 Gudoomiyaha guddiga qaran ee Gurmadka fatahaadaha ahna Ra’iisul wasaare kuxigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa sheegay in kulan ay maanta ay isugu yimaadeen guddiga iyo guddi ay baarlamaanku usoo magacaabeen la socodka howlaha guddigu qabanayo.
Kulanka oo ka dhacay Xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa shir gudoominayay Ra’iisul wasaare kuxigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka, Cabdiweli heekh Ibraahim Muudeey ayuu sheegay Mudane Khadar in falanqeyn dheer kadib la isla-gartay in deeqaha la haayo loo qeybiyo deegaannada dhibaatadu ka jirto si dhaqsa ahna loola gaaro.
“Lacag hal milyan oo doolar ah ayaan u qeybin doonaa deegaanada iyo goobaha ay fatahaaduhu dhibaatada ka geesteen Xildhibaanno ka socda baarlamaanka oo loo xil saaray in ay la socdaan howlaha gargaarka ayaa kor joogteyn doona oo la socan doona sida gargaarka loo bixiyay”, ayuu yiri Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.
Gargaarka lacageed iyo gargaar kale oo isugu jira Teendhooyin iyo Mara Kaneecooyin ayaa la gaarsiinayaa deegaannada dhibaatadu ka jirto ugu danbeyn maalinta Khamiista ah ee soo socota si loo badbaadiyo qoysaska daadadku dhibaateeyeen.

Sir Culus qiyaano halisa – bedelida Calanka -burburinta goboladda

WARARKA MAANTA 21ka May 2018 Sir Culus!

Su’aallaha Maanta: Maxaa ka jira inay hay’addo shisheeye ah u saxiixay Khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre (Bakhti-Raamsade”) inay si dadban dowladda Soomaaliya uga xukummaan xarunta Xalane? Meeqo hay’addood oo basaasiin ah ayaa joogta Xalane oo uu lacag ka qaataa Khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre (Bakhti-Raamsade”)? Maxaa ka jira inuu Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre (Bakhti-Raamsade”) heshiis qarsoodi ah la galay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya oo kashiftay in arrintii dacwadda badda Soomaaliya Iyo Kenya laga soo wareejinaayo Maxkammadda Caalamiga kadib markii ay Kenya xaqiiqsatay inay ku guuldaraysanayso khalidka iyo ku xadgudubkeeda?

Muqdisho 21ka May 2018 Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibeda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalka soo yeerey dowladda Kenya oo sheegtay in ay Soomaaliya la leeyihiin wada xaajood la xiriira arinta Badda.

Wuxuu sheegay in uusan jirin wada hadal rasmi ah oo Kenya iyo Soomaaliya ay ka yeesheen oo ah wado aan aheyn Maxkamadda Hague in lagu xaliyo muranka xuduuda Badda ee labada dal ka dhaxeeya.

“Kiiska dacwadda Badda ee inaga dhexeeya Kenya, waxaa uu inoo joogaa maxkamadda caalamiga ah ee Hegue, waxaan idiin xaqiijinayaa inaanu jirin wax intaas ka baddalan oo Kenya na dhex maray, inagoo ixtiraamayna darisnimada naga dhaxaysa” ayuu yiri Wasiir Cawad.

Hadalka Wasiir Cawad ayaa ka jawaabaya hadal horay uga soo yeeray wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma oo sheegtay in ay jiraan wadahal ay madaxda Soomaaliya kala yeesheen arrimaha muranka Badda.

Muqdisho 21ka May 2018 Faah faahino dheeraad a ayaa kasoo baxaya rag kooxo ku hubeysnaa bustoolado oo xalay Wiil dhalinyaro ah ku diley qeybo ka mid ah degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Dilka ayaa waxa uu sigaar ah uga dhacay Xaafada taleex waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in qeybaha sare ee jirka ay ka toogteen kadibna ay baxsadeen.

Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada dilka wiilkaas,oo ay magaciisa ku sheegeen Aweys Cumar Cabdi,sida ay ku qoreen Bogga ay wararka ku qoraan,iyaga oo sheegay in uu ka mid ahaa Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha walow Xukuumadda Soomaaliya aysan ka hadlin.

Dhinaca kale rag hubeysan ayaa xalay weerar deegaanka Ceelasha biyaha gaar ahaan goob ay ku sugnaayeen ciidamo tirsan kuwa dowladda,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal kooban.

Muqdisho 21ka May 2018 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Taliyaha Maleteriga iyo Waziirka Amniga Iyo Taliyaha Asluubta iyo Duqa Muqdishu ayaa caawa booqday shacabkii uu saaameeyay Roobkii xalay ka da’ay Muqdisho iyo goobaha ay biyihu fariisteen, waxuun aamaray in deg-deg wax looga qabato xaladan taagan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayra ayaa xalay booqasho ugu tagay qaar ka mid ah dadkii ku guryo beelay Roobabkii ka Da’ay Muqdisho, kuwaasi oo maamulka gobolka uu dejiyay goobo kumeel gaar ah.

Kormeerka Ra’iisul Wasaare waxaa ku wehlinayay Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle), Taliyeyaasha ciidamada qalabka sida iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow).

Khayre ayaa wuxuu ujeedkiisu ahaa si uu indhihiisa ugu arko halka uu gaarsisan yahay howlaha gurmadka ah ee uu wado maamulka gobolka Banaadir iyo xaalada guud ee dadka uu saameeyay Roobabka.

Muqdisho 21ka May 2018 Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in maanta uu dib u bilowday Imtixaanaadka shahaadiga ah ee Dugsiyada dalka.

Wasaaradda Waxbrashada ayaa shalay qoraal ay soo saartay ku sheegtay inuu baaqday imtixaanaadkii shalay oo Axad aheyd la geli lahaa, sababo la xiriira in magaalada Muqdisho iyo gobolada qaar ee dalka ay ka Da’een Roobab saacado badan socday.

C/raxmaan Daahir Cusmaan Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in maanta oo Isniin ah uu dib u bilaabanayo Imtixaanaadka Ardayda ay galayaan, maadooyinkii shalay baaqdayna todobaadkan gudihiisa la geli doono.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, oo ay wehliyaan maamulka Gobalka Benaadir iyo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaa Sabtidii ian dhaaftay daah-furay Imtixaanka dawliga ah ee dugsiyada sare oo ay u fariisteen arday gaaraysa 27,600, kuwaas oo wax ka bartay Iskuulaadka kala duwan ee dalka.

Tukaraq 21ka May 2018 Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanadii gobolka Sool ay ku dagaallameen Ciidamada Maamulada Somaliland iyo Puntland  ayaa waxa ay sheegayaan in wali halkaasi ay ka taagan tahay xiisad dagaal, waxaana ciidamada labada maamul ay jooggaan meelo aad isugu dhow.

Ciidamada maamulada Puntland,Somaliland ayaa wali waxa ay ku sugan yihiin degaanka Tukaraq iyo sidoo kale degaanada hoos yimaada.

Waxa ay sidoo kale xaqiijiyeen dadka degaanka iyo Wariyeyaasha gobolka Sool, in labada dhinac ay wataan Boqolaal ka mid ah Gadiidka dagaalka taasoo dadka Cabsi weyn ku abuurtay.

Degaanka Tukaraq iyo Degaanka God qaboobe ayaa dadkii kunoolaa waxa ay bilaabeen in ay halkaasi ay ka barakacaan.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa xoogeysatay  xiisadda dagaal maamulada Somaliland iyo Puntland.

Puntland ayaa dhawaan ku dhawaaqday dagaal waqti dheer socon doona taasoo sii xumeysay Xaaladda degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Dagaalkii ugu dambeeyay ee halkaasi ka dhacay ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 50 qof oo ah labaddii dhinac ee dirirto dhexmartay.

Jowhar21ka May 2018Wararka nagasoo gaaraya magalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir–Shabeelle ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay wiil dhalinyaro ahaa oo ka mid ah Shacabka Jowhar.

Xilliga dilka uu dhacayay ayaa waxaa socotay qeybinta deeq raashin ah oo sandada Cumaan ugu talo gashay Shacabka Soomaaliyeed ee Soomaan taas oo ay socotay qeyninteeda.

Qof ka mid ah Shacabka Jowhar ayaa Dalsan u sheegay in raashinkii la qeybinayey badankiis ay qaateen ciidamadii ilaalada ka ahaa,isla markaana ay dileyn Xasan Maxamed Xasan oo dhalinyarada Jowhar kamid ahaa.

Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Shabeellaha dhexe kama hadlin dilkaas,waxaana lagu soo waramayaa in raashinkii ay ciidamadu qaateen badi lagu arkay Suuqyada Jowhar.

Pakistan 21ka May 2018Comender  Pakistaan ah  oo lagu magacaabo Zubair Mahmood Hayat ayaa u sheegay warbaahinta dalka in Isra’iil ay ku bur burin karaan mudo 12 daqiiqo ah naguma qaadaneyso inan kuso af jarno hadii aan dagaal ku qaadno dalka isra’iil.

Wuxuu u sheegay in ay maalin waliba dalka falastiin ay gumaadan islamarkasne ay wayaeen dal ka falceliya arintaas ayuu yiri anaga waxaan nahay dal muslim ah waxaana la dhibaatooneyna Shacabka Reer Falastiin dhibka ay ku sugan yihiin.

Hadalkaan ayaa imaanayaa xili guud ahan bariga dhexe dagaal ka socda waxana la ogyahay wadamada carabta in ay mar waliba ka shiraan arinta falastiin ilaa iyo haatan go’aan sax ah kama qaadan.

Hase ahaaate  Zubair Mahmood Hayat ayaa tilmaamay in Dowladaha carabta ay ka jiifaan Falastiiniyinta wuxuna aad ugu booreyey in Isra’iil ilaaliso xaquuqul insaanka islamarkasne joojiyeen shacabka ay leenayaan.

Dhanka kale wuxu ka xumaaday wararka ay sheegeyn dowlada Isr’iil ee ahaa in wadamada Islaamka ah shirka ay qaataan ay doonayaa in dagaal ka dhan ah isr’aal ku dhawaqeyn.

Hase ahaate jawaabta Zubair Mahmood HaHayat ayaa sii xuujinaayo awooda dalalka islaamka ah waana tilaabo lagu farxo in la helo dalka ka jawabi kara hadalka isr’iil.

Muqdisho 21ka May 2018 Iyadoo lagu wado in 28ka bishan May magaalada Geneva ee dalka Switzerland uu ka furmo shirka Shaqada Aduunka oo ay soo qabanqaabisay hay’adda ILO, ayaa dhinaca kale  waxaa soo baxaya eedeymo la xiriira habka dowladda Soomaaliya ay u maamushay wafdiga uga qeybgali doona shirka dhinaca Soomaaliya.

Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dowlad gobolleedyada dalka oo xiriir la soo sameeyay warbaahinta dalka ayaa sheegay in dowladda federaalku si aan habooneyn u maamushay wafdiga shirkaa uga qeybgali doona Soomaaliya.

Nuqul ka mid ah qoraalka wafdiga dowladda Soomaaliya ku matali doona shirka oo ay heshay warbaahinta dalka ayaa muujinaya in marka laga soo tago wafdiga dowladda dhexe ee Soomaaliya Puntland oo kaliya ka qeybgali doonto shirka oo uu ku matali doono Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle iyo Agaasimihiisa Wasaaradda sida ku xusan Qoraalka oo uu ku saxiixan yahay Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha dowladda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac.

Shirka oo noqonaya kii 107aad ayaa marka guud ahaan la eego dowladdaha ka qeybgali doona waxaa uu qorshuhu yahay in ay ku matalaan Dowlad waliba Saddex qeybood oo kale ah wafdi ka socda Dowladda, Shaqaalaha iyo loo Shaqeeyayaasha oo qeyb-walba ay tahay in ay iyaga iska soo dhax xulaan wakiilada shirka ku matalaya.

Laakiin dhinaca dowladda Soomaaliya waxaa muuqaneysa in ay iyadu soo xushay wafdiga ka qeybgali doona shirweynaha oo u muuqada kuwa aan waafaqsaneyn nidaamka u degsan kulanka.

Qofka kaliya ee dumarka ah ee dhinaca Soomaaliya shirka uga qeybgali doona ayaa ah sida ku cad Qoraalka Faadumo Cabdullaahi Maxamed oo ah Danjiraha dowladda Soomaaliya ee Geneva.

Mas’uuliyiintan ka tirsan dowlad gobolleedyada ee warbaahinta dalka la soo xiriiray ayaa sheegay in arintan lagu tilmaami karo musuq-maasuq weyn oo dowladda dhexe ay ku sameysay ka qebgalka shirka madaama aan la siin dowlad gobolleedyada iyo Ururrada kale ee kulankani quseeyo mudnaantii ay lahaayeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa marka ugu danbeysa wax cod ah ku yeelan doonin dooddaha iyo Ajandayaasha shirka, taasoo ka dhiggan in kulan-weynaha ka furmi doona Geneva muhiimad gaar ah u yeelan doonin Soomaaliya.

Maamulka Koonfur Galbeed 21ka May 2018 Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii gobolka Shabeellaha Hoose, isaga oo magaaabay guddoomiye cusub.

Wareegto ka soo baxay xafiiska looga arrimiyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in xilka guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose xilkii laga qaaday Ibraahim Aadan Cali Najax, waxaana xilka guddoomiyaha gobolka loo magacaabay Maxamed Ibraahim Barre.

Guddoomiyaha xilka laga qaaday Ibraahim Nayax ayaa la sheegay in loo magacaabay Wasiiru-dowlaha madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ka mid ah gobollada ugu baaxda weyn dalka Soomaaliya, waana gobol caan ku ah dhul-beereedka iyo dhaqashada xoolaha, inkastoo dhinaca kale la oran karo waa gobolka ugu badan oo ay ka dhacaan dagaallada qabaa’ilka ku saleysan iyo weerarrada Al-shabaab.

https://www.youtube.com/watch?time_continue=102&v=hC-VoUTlndA

WARARKA MAANTA 19ka May 2018 Sir Culus! RAMADAAN KARIIM!

Su’aallaha Maanta: Maxay tahay sababta uu Khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre (Bakhti-Raamsade”) u raba in laga takhaluso ama la khaarajiyo Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Dalka Sida Dowladda Gobaleedka Somaliland, Dowlad Gobaleedka Puntland, Dowlad gobaleedka Jubbaland, Dowlad Gobaleedka Hirshabelle Iyo Dowlad Gobaleedka Galmudug? Maxay beesha calaamka u diiday inay wax dhaqaallo ah siiso xukuummada qiyaano qaran ee ku fashilantay hoggaanka dalka taasoo uu hoggaamiyo Khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre (Bakhti-Raamsade”)? Ma is-weydiiseen sababha lacagihii adduunka u ballanqaaday Dowaldda Soomaaliya loo siin waayey kardib musuqmaasuqa baahsan ee uu wado Khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre (Bakhti-Raamsade”)? Yaa maalgeliya argagixisadda Al-Shabaab? Maxaa ka jira xiriirka ka dhaxeeya Khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre (Bakhti-Raamsade”) Iyo Ururka Al-Shabaab? Maxaa ka jira shaqooyinka sar-sare ee uu Khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre (Bakhti-Raamsade”) u magacaabay Ururka Argagixisada Al-Shabab kuwaasoo hadda ka dhex shaqaynaaya laamaha amniga dalka? Ma rubaa inuu iscali rabo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Mursal (“Bakhti-Uroone”)kadib markii uu ogaaday inuusan la shaqayn karin Kooxda Qiyaano Qaran? Maxaaa ka jira inuu ogalaaday Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo (Been-Hawaas) in arrintii badda ee Soomaaliya iyo Kenya lagu xalliyo wada-hadal ay dhexdhexaad ka tahay Urur Gobaleedka IGAD sida ay shaacisay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya? Maxaa ka khaldan madaxda Soomaaliya? Ma waxay umalaynayaan inay khaldi karaaan shacabka Soomaaliyeed? Yaa maanta runta qarin kara?

Muqdisho 19ka May 2018 Guddiga joogtada ee golaha Aqalka sare ayaa Maanta lafilayaa in ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshaan Xaruntooda Magalada Muqdisho,kaas oo ay uga hadi doonaan qodobo dhowr ah.

Ajandaha kulanka Maanta ee Guddiga ayaa ah laba qodob ka ahdlida dagaalka deegaanka tukaraq ee Gobolka Sool kaas oo u dhaxeeya Ciidamada Maamulada Puntland iyo Soomaaliland iyo sidoo kale jadwalka Shaqo ee inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan.

Sikastaba diyaar garowga kulanka Guddiga joogtada ee golaha Aqalka sare ayaa haatan ka socda Xarunta guddigaas ay ku shiraan ee Magalada Muqdisho.

Maraykanka 19ka May 2018 Booliiska gobolka Florida ayaa toogtay, kadibna dhaawacay nin hubeysan oo la sheegay in uu galay goob uu leeyahay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, oo ku taala magaalada Miami.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Jonathan Oddi, oo ah 42 jir ayaa loo qaaday isbitaalka kadib markii ay rasaas is weeydaarsadeen booliiska isaga oo ku sugnaa goobta kubadda Golf-ka oo uu Trump leeyahay.

Booliiska waxa ay sheegeen in ay goobta tageen kadib markii ay heleen dad soo sheegay in nin uu rasaas ka ridayo goobta.

Ma jirin cid kale oo dhaawacantay marka laga tago ninkan oo lugaha laga toogtay, balse sargaal boolis ayaa ka jabay gacanta.

Mr Oddi kama uusan mid ahayn dadka degan meesha, balse waxa uu degenaa meel u dhow.

Baraha bulshada waxa uu ninkan ku qortay in uu yahay nin sameeya layliga jirdhiska oo macalin ah, islamarkaasna ah nin maalgashi ku sameeya guryaha, sidoo kalena maamule ka ah shirkad ka ganacsatada dahabka iyo macdanta kale.

Wiilka madaxweynaha uu dhalay oo mas’uul ka ah goobtan ayaa ammaanay falcelinta booliiska. Balse Trump ayaanan ka hadlin.

Muqdisho 19ka May 2018 Magaalada Muqdisho ayaa xalay waxaa ka dhacay weeraro ay waxyeelo kasoo gaartay Askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Kooxo hubeysan ayaa xalay degmada Shibis waxa ay ku dileen Askari ka tirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliyeed, waxaana la sheegay dilka ka dib in ay baxsadeen Kooxihii dilka geystay.

Sidoo kale Weerar toos ah ayaa xalay Fiidkii lagu qaaday Ciidamo ka tirsan xasilinta,kuwaasoo ku sugnaa Isgoyska Baar Ubax ee degmada Howlwadaag.

Weerarka ayaa dhacay xilli uu Mashquul ahaa Isgoyska Baar Ubax, waxaana jira waxyeelo soo gaartay ciidamaddii halkaasi ku sugnaa iyo sidoo kale dad Shacab ah.

Shabaab ayaa sheegtay dhammaan Mas’uuliyadda Weeraradii xalay ka dhacay Muqdisho

Muqdisho 19ka May 2018 Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo markale ka hadlaayay dagaalka degaanka Tukaraq  ee gobolka Sool ayaa sheegay in maamulkiisa aysan duulaan ku aheyn Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in Somaliland ay dooneyso in nabad lagu dhameeyo Khilaafka ka dhaxeeyo Somaliland iyo Puntland.

Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Somaliland ay gaarto xuduudeeda rasmiga ah ee uu sameeyay Gumeystihii Ingariiska.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay daneynayaan in dadka kunool Somaliland iyo Soomaaliya ay nabad ku wadda noolaadaan.

Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa hawadda isku mariyay Hanjabaado saacaddihii lasoo dhaafay ka dib markii dagaal culus oo ku dhexmaray degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Maamulka Somaliland 19ka May 2018 Dadaalo ku aadan u gurmashada dadka ay saameeyeen roobabka wata duufaanada ee ku dhuftay Soomaaliland iyo Puntland ayaa ka socda halkaasi,iyadoo dowlada goboleedka Puntland uu sheegay in ay jiraan qasaarooyin ka dhashen musiibooyinkaasi.

Duufaantaasi ayaa la sheegay in ay geystay qasaarooyin naf iyo maal,xeebaha gobolka Bari waxaa la la’yahay dooman iyo shabaagyo oo ay la haayeen kalluumeysato,sidoo kale wadada isku xirtay Boosaaso iyo magaalooyinka kale ee Puntland ayaa go’doonsan kadib markii daadab ka dhashey roobabkaasi dabeylaha watay.

Wasaaradda arrimaha Gudaha Puntland ayaa shaacisay in ay diyaariyaan dad kala duwan oo isugu jira mas’uuliyiin iyo quburo,kuwaasi oo si koox koox ah u soo qiimeyn doonaa baaxadda saameynta dabeylahaasi.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha ee Puntaland Maxamed Cali Nuur(Jubba) ayaa faah faahiyay saameynta ka dhalatay roobabkaasi oo wata dabeylo xoogan.

“Waxaa la dirayaa dad soo qiimeeya xaaladaha ka dhashey duufaantaasi,waxaa kujira gudoomiyaasha degmooyinka iyo xubno kale,waxaa la adeegsanaya aaladda casriga ah ee Internetka si loo fududeeyo uruurinta xogaha ee deegaanada kala fog,ujeedka waa in la diyaariyo gargaar dadkaasi la gaarsiyo”. Ayuu yiri Agaasime JUbba.

Meelaha ay ka da’een roobabka dabeylaha wata waxaa kamid ah deegaano kuyaala gobolada Sanaag iyo Bari oo ka kala tirsan Soomaaliland iyo Puntland,maalmahan waxaa jirtay digniino ay soo saarayaeen quburo ku xeel dheer arrimaha cimilada,kuwaasi oo sheegay in laga yaabo roobab duufaano wata oo ku dhuftay qeybo kamid ah Soomaaliya

Muqdisho 19ka May 2018 Maanta oo sabti ah ayaa waxaa bilaabanaya imtixaanka Shahaadiga dugsiyada Sare oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya,iyada oo uu ka bilaabanayo gobolada dalka oo fhan. Dhowr iskuul oo ku yaalla Muqdisho ayay maanta ka bilaaban doonaan imtixaanadaas waxaana aad loo adkeeyey amniga Muqdisho,iyada oo sidoo kale ciidamo lageeyey xarumaha imtixaanka lagu galayo.

SsWasiirka Wasaaradda Waxbarshada Soomaaliya ayaa horay u sheegay in Maanta imtixaanka uu u bilaaban doono 27 kun iyo 600,oo arday oo guud ahaan dalka ah marka laga reebo magalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan oo fatahaad ay ka dhacday.

Dhammaan deegaanada maamul goboleedyada ayuu imtixaanka ka bilaaban doonaa,waxaana kormeer ku tegi doono xarumaha imtixaanka lagu galayo masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada.

Muqdisho 19ka May 2018 Qeybo ka mid ah Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa saakay si weyn loo adkeeyay, waxaana lagu waddaa in maanta ardayda dugsiyadda Sare ay u fadhiistaan Imtixaanka dowladda ee shahaadiga ah.

In ka badan 27 Kun oo Arday ayaa maanta u fariisinaya Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare ee dowladda ay qaadeyso sidda uu horay u shaaciyay Wasiirka waxbarashadda Soomaaliya.

Goobaha Imtixaanka lagu galaayo ayaa shalay oo Jimco aheyd waxaa la wareegay ciidamo loogu tala galay in ay suggaan Ammaanka xarumahaasi.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa lagu waddaa in ay kormeeraan Goobaha ay lagu qaadaayo Imtixaanka.

Imtixaanka ayaa si rasmi ah maanta kaga bilaaban doona gobolka Banaadir, Galmudug, Hirshabeelle , Koonfur Galbeed iyo Jubbaland

Muqdisho 19ka May 2018 Qaramadda Midoobey ayaa shaacisay in Ciidamada dowladda Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya in ay dalkooda dib ugu laaban doonaan,islamarkaana arintaasi ay qeyb ka tahay qorshaha dhimista Ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgalla Gudaha Soomaaliya.

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ayaa qorsheynaya in ay ka baxaan Soomaaliya muddo laba sano ah ka dib sida ku cad wakhtiyada ay soo diyaarisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Ka bixitaanka qorshaysan ayaa imanaya todobo sano kadib markii ciidamada KDF ay soo  galeen Soomaaliya ka dib markii ay bateen Weeraradda Al-Shabaab ay ka geysanayaan Gudaha dalka Kenya, waxaana xilligaasi ay sheegtay Kenya in ay ka hortagi doonto Weeraradda Al-Shaabab.

Kenya ayaa ku dhawaaqday xilligaasi Howlgalka Linda Nchi 14-kii Oktoobar 2011-kii oo lagu raadinayay shaqaalaha gargaarka iyo dalxiisayaasha Waqooyi Bari ee Kenya ay ka Afduubteen Al-Shabaab.

Sida laga soo xigtay Qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee 2372 (2017), ciidamada Kenya ayaa Soomaaliya ka baxaya bisha Disembar 2020-ka.

Taliyaha Guud ee ciidamada Kenya ayaa sheegay in lagu wargeliyay in laba sano gudahood ay kaga baxaan Gudaha Soomaaliya,islamarkaana ay dalkooda iyo Xuduudooda ay dib ugu laabtaan.

Shirka Madasha Afrika 19ka May 2018 Ma ahan markii ugu horeesay oo lagu sharfay Shirkaan Madasha Africa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay shirka Madasha Hoggaamiyeyaasha Afrika (ALF), kaasoo ah madal ay ku jiraan qaar ka mid ah Madaxweyanayashii soo maray dalal ka tirsan Qaaradda Afrika.

Wuxuuna  ahaa kii labaad oo uu ka qeybo galo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa shalay ka dhacay magaalada Daara Salaam ee dalka Tanzania taasina waxay sharaf u tahay dalka Soomaaliya in uu Mataalaad ku leeyahay Shirka.

Sidoo kale Wuxuu ahaa shir daba socday kii sannadkii hore lagu qabtay Johannesburg – South Africa.
Ka qeybgalayaashu waxay wadaageen waaya aragnimada Africa ee dhinacyada Amniga iyo Nabadda iyo doorka Caalamiga ah ee ay Afrika ka qaadato nabadda adduunka”ayuu yiri  Xasan Sheekh qoraal uu bartiisa gaarka ah ee Facebook la soo geliyay.

Sikastaba ha ahaate Waxaa uu sheegay inuu la wadaagay waaya aragnimadiisa Soomaaliya ee arrimaha horumarinta amniga iyo nabadda iyo dhismaha hay’adaha ka shaqeeyo arrimahaas.

Ugu danbeyn Shirka ayaa lagu soo bandhigay waaya aragnimada dalka Congo iyo guud ahaan waddamada ku hareereysan harooyinka waaweyn, iyadoo la soo jeediyay taloooyin wax ku ool ah oo la xiriira Amniga iyo Nabadda, waxaana Talooyinkaas loo gudbiyay ururka midowga Afrika.

Hase ahaate  Xasan Sheekh Maxamuud ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa tan iyo markii looga guuleystay doorashadii 8 February 2017, waxaa uu laga waayay saaxadda siyaasadda, isagoo markii uu xilka wareejiyay dalka isaga tagay, isla markaana degay dalalka Turkiga iyo Tanzania , halkaasoo ay ku nool yihiin qoysaskiisa sidoo kale Wali Dalka dib uguma soo laaban .

Kuba 19ka May 2018 Sida la xaqiijiyay diyaaradan ayaa waxaa ku dhintay 110-qof oo kamid ahaa rakaabkii diyaarada saarnaa, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay sadex qof oo kale kuwaa oo la dhigay isbitaal iyaga oo qaba dhaawacyo culus.

Hase ahaate Diyaaradaan rakaabka ee bur burtay ayaa aheyd Mid u kala gooshta gudaha dalka Cuba, waxaana diyaaradan oo ka duushay magaalada Havana ee caasimada Cuba iyada oo kusii jeeday magaalada Holguin balse inta aysan gaarin Bur burtay .

Dhanka kale Madaxweynaha dalka Cuba Miguel Diaz-Cane ayaa muujiyay sida uu uga naxsan yahay shilkan diyaaradeed ee dhimashada badan sababtay, waxa uuna murugada la qeybsaday dadkii eheladooda ku dhintteen shilkaan wuxuna uga tacsisyeeday dhamaan Ehelada iyo dhamaan shacabka reer Cuba wuxuna ku tilmaamay in dalka uu musiiba weyn ku dhacday.

Dowlad gobaleedka Hirshabelle 19ka May 2018 Madaxweyne Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare Oo Soo gaba gabeeyay Safarkiisa Beydhabo kaddib Markii uu halkaasi kaga Soo Qeyb galay Shirka Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada, ayaa Maanta Soo Gaaray Magaalada Muqdisho, iyadoo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Ee Magaalada Muqdisho ay Ku Soo Dhoweeyeen Mas’uuliyiin kale duwan.

Waare  Oo Qeybta Nasashada Garoonka Aadan Cadde Shir Jiraa’id Ku Qabtay Ayaa Ka hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira Shirkii Maalin ka hor Magaalada Beydhabo ugu Soo Gaba gaboobay Madaxda Maamul Goboleedyada, Dhibaatada Iyo Saameynta Fatahaada Webiga uu ku yeeshay Bulshada Hirshabelle, iyo dadaalada Socda ee lagu garab istaagayo

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ugu horeyn ka warbixiyay Shirka Beydhabo Ku soo gaba gaboobay, isagoo Sheegay in Shirkaasi uu ahaa is xogwareysi iyo toosin islamarkaana sidoo kale looga hadlay sidii Iskaashi uu u dhexmari lahaa Maamulada si looga gun gaaro Xaqiijinta Ammaanka iyo Furista Wadooyinka.

Dhanka kale Madaxweyne Waare oo sii hadlay ayaa Carabka ku dhuftay mudadii Beydhabo uu ku sugnaa in Maamulka Koonfur Galbeed Ee Soomaaliya ay kulama kale duwan wadaqaateen misna ay ka wada hadleen sidii labada Maamul ee dariska ah ay isaga kaashan lahaa la dagaalanka Argagaxisada isku furida Wadooyinka, ka hortaga Fatahaada Webiga , iyo Arrimo kale duwan oo horumar u ah laba Maamul.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Oo Sii Hadlay ayaa ka hadlay Saameynta iyo dhibaatada uu ku hayo Shacabka Gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan oo guryahooda kaga barakacay, inkastoo uu sheegay Mudane Waare in biyaha Ay soo yaraanayaan laakiin waxa uu walaac ka muujiyay Cuduro ka dhasha Biyaha Wasaqeysan, waxaana uu mar kale ku baaqay in gar gaar bini’aadanimo loo baahanyahay in lagu garab istaago dadkaasi u baahan caawimaad dhab ah in loo fidiyo.

Hase ahaate Maxamed Cabdi Waare ayaa ugu dambeyn sheegay in Muqdisho uu u yimid sidii loo sii dar dar galin lahaa gaarsiinta gar gaarka ay u baahanyihiin Bulshada Ay saameysay Fatahaada Webiga, waxaana sidoo kale uu sheegay in kulamo Muqdisho uu kula qaadanayo guddiga Dowladda ay u magacowday Gurmada Fatahaada, iyo Hey’adaha Samafalka si loo dar dar galiyo samata bixinta Bulshada Reer Hirshabelle.

Yurub 19ka May 2018 Dalalka Midowga Yurub oo soo geba gabeeyey kulan ay ku lahaayeen magaalada Sofia ee dalka Bulgaria ayaa sheegay inay iska difaaci doonaan cunaqabateynta Maraykanka ku hanjabay.

Xiisada ka dhalatay go’aankii Maraykanka uga baxay heshiiskii Barnaamijka Nukliyeerka ee Iran ayaa u muuqata inay sii kala fogeysay xulafadii Midowga Yurub iyo Maraykanka oo ku hanjabaya in uu cunaqabateyn saari doono cid walba oo xiriir ganacsi la sameysa wadanka Iran.

Dalalka Midowga Yurub oo iyagu qeyb ka ahaa heshiiskaasi lala galay Iran sanadkii 2015 ayaa iyagu sheegay inay ixtiraami doonaan heshiiskaasi, xili laga cabsi qabo in xayiraada cusub ee ganacsi oo uu Maraykanka saaray Iran ay saameyn ku yeelato shirkadaha laga leeyahay dalalka Yurub oo iyagu heshiisyo ganacsi la galay wadanka Iran.

Wadamada EU-da oo shir ku yeeshay magaalada Sofia dalka Bulgaria, labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa sheegay inay ku mideysan yihiin inay difaacaan heshiiskii Iran iyo waliba shirkadahooda ganacsiga laleh dalkaasi.

Xiisadan ayaa waxaa sii fogeeyey Lataliyaha cusub ee Donald Trump, Mr.John Bolton oo wareysi uu todobaadkan bixiyey ku sheegay in Maraykanka uusan ka waaban doonin inuu cunaqabateyn iyo ganaax dul dhigo shirkadaha laga leeyahay Yurub ee ganacsiga la sameeya Iran.

Madaxweynaha Golaha EU-da, Mr.Donald Tusk oo ka hadlayey shirkii ka dhacay Bulgaria ayaa si adag uga jawaabay hadalada kasoo yeeray Maraykanka isagoo sheegay in Midowga Yurub aan loo hanjabi karin, isla markaana yiri “…Hadiiba hadalada noocaan ah kasoo yeerayaan kuwii isku sheegayey saaxiibada Yurub (Maraykanka) yaaba Cadow kale u baahan….”

Tusk ayaa intaasi kusii daray in Dowlada Maraykanka iyo madaxa Washington ay u qabaan ciyaar ciyaar halka ay hada xiisadan mareyso.

Midowga Yurub ayaa ku heshiiyey inay dhaqan gelin doonaan shuruuc ay horey u sameysteen sanadkii 1996, kuwaasi oo ka xijaabaya shirkadaha reer Yurub ee ganacsigooda ay la leeyihiin Iran u isticmaala lacagta dollarka, si aan dacwad iyo ganaax uga iman Maraykanka.

Qaar kamid ah dalalka EU-da ayaa sidoo kale soo jeediyey in Midowga Yurub uu lacagtiisa Yuro (EURO) u isticmaalo ganacsiga Shidaalka ee kala dhaxeeya Iran, taasi oo dhalin karta xiisad horleh oo caalami ah.

Shirkadaha waaweyn ee laga leeyahay Yurub sida; Airbus, Total iyo Maersk ayaa kamid ah kuwa hada heshiisyo ganacsi oo ku kacaya balaayiin dollar kula jiray wadanka Iran.

Dowlad Gobaleedka Somaliland 19ka May 2018 Magaalada Hargeysa waxaa Xalay lagu dilay Rabi Naxariistii Jano haka waraabiyee Caaqil Axmed Buraale (Axme aar) kadib markii sida ay cadeeyeen goob joogayaal ku sugan Hargeysa Gaari la jiir siiyey waxaa sidoo kale isna ku dhaawacmay isla dhacdadaan Mursal Maxamuud Ismaaciil. Marxuum Caaqil Axmed Aadan Buraale Axmed aar iyo Mursal Maxamuud ismaaciil ayaa labaduba kasoo jeeda Gobolka Sool.

Waxaana lasheegay in loo aaneeyey Sarkaal katirsanaa Ciidanka Somaliland oo lagu magacaabi jiray Col Maxamed Daa’uud oo aaga Turaq ku geeriyooday.

Wiil uu Dhalay Sarkaalkaasi ayaa gaadhi Su ula Kac ah u mariyay Xubnahan Dhulbahante Ee Hargeisa Lagu Dilay

https://www.youtube.com/watch?v=W2UzSRbuNRY

WARARKA MAANTA 18ka May 2018 Sir Culus! RAMADAAN KARIIM!

Su’aallaha Maanta: Maxay tahay sababta khaa’inul waddanka Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre (Bakhti-Raamsade” waxba ugu qaban waayey gabartii ay isku-sawireen ee ku dhaawacantay difaaca dalka Sarkaalad Marwo Faa;iso oo hadda will dhallinyaro ah iyo ummadda Soomaaliyeed ay geeyeen si wax looga qabto caafimaadkeeda? Maxayse beesha caalamka ugu diiday inay wax dhaqaallo ah siiso xukuummadda musuqmaasuqa ka gashay lambar koowaad taasoo uu hoggaaminaayo khaa’inul waddanka Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre (Bakhti-Raamsade”? Maxuuse qaban karaa khaa’inul waddanka Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre (Bakhti-Raamsade” oo hadda xaqiiqsaday inay Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada rabaan inay sharafta ka sii qaadaan Dowladda Khiyaano Qaran ee ka taliso agagaarka/nawaaxiga Maka-Al-Mukara? Ma run baa in ay beesha caalamka ka soo xirxirtay dhaqaalihii la siin jiray dalka Soomaaliya sababo la xiriira musuqmaasuqa baahsan ee Xafiiska Raysal Wasaaraha khaa’inul waddanka Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre (Bakhti-Raamsade”? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha soo socda? Yaa noqon doona Madaxweynaha soo socda? Yaa noqon doona Guddoomiyaha soo socda Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho? Maxuuse khaa’inul waddanka Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre (Bakhti-Raamsade”u diidan yahay inay shacabka gobalka Banaadir helaan maamul gobaleed? Yaa qaata dhaqaalaha ama dakhliga ka soo xarooday gobalka Banaadir? Yaa runta qarin kara?

Muqdisho 18ka May 2018 Kulanka Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golaha Shacabka JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaa shalay looga hadlay Dagaaladda maalmihii lasoo dhaafay kasoo xusboonaaday Deegaanka Tukaraq,wax ka qabashada fatahaadaha ay sameeyeen wabiyada Dalka iyo sidoo kale dardar gelinta howlaha kalfadhigan iyo kan xiga horyaala golaha shacabka.

Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa si waafaqsan qodobka 56 ee xeer hoosaadka golaha shacabka guddi uu heerkiisu sareeyo oo ka kooban sagaal xubnood u magacaabay saameynta fatahaadaha wabiyada dalka ay ka geysteen meelaha ay maraan si guddigan ay ugu kuur galaan xaalada dhabta ah ee deegaanada fatahaadaha ay saameeyeen.

Guddigan waxaa guddoomiye ka ah Mudane C/wali sheikh Ibraahim Muudey oo ah guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka.

Dhanka kale Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Tukaraq in wax walba ay wada hadal ku dhameeyaan, loona turo shacabka lagu kor dagaalamayo.

Gudoomiyaha golaha shacabkaayaa ugu dambeyn kormeer shaqo ku tagay golaha shacabka oo todobaadkii labaad ay ka socdaan howlo dayactir ah,waxaana kormeerkiisa ku wehliyay guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka, habdhowraha golaha iyo qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka.

UK 18ka May 2018 Muwaadin Somali ah oo horey usoo noqday qaxooti ayaa loo magacaabay Maayorka magaalada Sheeld ee dalka Ingiriiska.

Magid Magid, ayaa noqonaya qofkii Somali ah ee u horeeyay ee magaaladaas Mayor ama duq magaalo ka noqda waana 28 jir waxana uu noqonayaa Mayorkii ugu yaraa ee magaaladaasi.

Isagoo 5 sano jir ah ayuu yimaaday magaalada Sheeld kadib 6 bilood isaga, walaalihii iyo Hooyadii ay kujireen xero qaxooti oo Itoobiya kutaala kadib markii ay Somalia kasoo tageen si ay u helaan nolol.

Tan iyo magacaabistiisii waxa uu sheegay inuu rajeynayo inuu isbedel wanaagsan uu sameeyo.
Waxa uu sidoo kale u mahadceliyay dadkii doorka weyn ka qaatay isasoo sharixidiisa isla markaana soo garab istaagay.

Dhallinyaro Somaliyed oo dalka ka cararay mudadii burburka ayaa xilal muhiim ah ka qabtay dalalkii ay xilligaas magangelyada ka heleen.

Waraysi Sareeye Guuto Axmed Saleeban Dafle nin kii Aas asay sirdoonka somaliya kana mid ah 5tii Golaha sare ee Kacanki Daawo

Maamulka Puntland 18ka May 2018 Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 17 May 2018 waxaa uu Hospitalka Guud ee Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland ku booqdey dhaawacyada ciidankii ku dhaawacmay dagaalkii Tukaraq.

Madaxweynaha ayaa waxaa booqashada ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda maaliyadda, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wasiirdowlaha Wasaardda Duulista iyo Hawada iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Dhaawaca ciidanka Puntland ayaa ku booqday madaxweynaha Puntland Hospitaalka Guud ee magaalada Garoowe ayaa Waxaa ay ahaayeen ciidankii kusoo dhaawacmay Iska hor imaadkii dhexmaray ciidamada Puntland iyo maamulka la magac baxay Soomaaliland, dagaalkaas oo ka dhacay duleedka magaalada tukaraq taariikhdu markay 15 May 2018.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa mid mid u booqday dhaawacyada ciidanka Puntland iyadoona Madaxweynuhu uu si naxaariis iyo masuuliyadi ku jirto ula-qaysaday dareenkiisa xaaladda ay ku jiraan, isla markaana uu Alle subxaana watacaalaa uga baryey inuu u boogadhayo, caafimaad taamana Alle siiyo dhammaantood

Maamulka Puntland 18ka May 2018 Ilo lagu kalsoonyahay aya inoo sheegaya khasaaraha ka dhashay duufaano wata roobab iyo dabeylo xoogan oo ku dhuftay degaano hoos taga maamulka Puntland.

Inkastoo Duufaantan ayaa saameysay degaano badan, waxaana jira meelo ay ka go’day isgaarsiinta oo aan la ogeyn dhibaatada ay ka geysatay.

Waxaa kaloo jira Daad xoog leh ayaa la soo sheegayaa inuu la tegay gaadiid marayey wadada u dhexaysa magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho, waxaana daadku qaaday gaari ay lix qof saarnaayeen, dadkaasi waxaa nolol lagu helay afar ka mid ah labadii kale iyo gaarigii ayaa lala’yahay.

Sido kale Gaari kale oo isna biyuhu shil ku geliyeen halka loo yaqaano meermeerka oo ku dhow Boosaaso ayaa waxaa ku dhintay Allaha u naxariistee ganacsade Abshir Jaamac Faarax dad kalena waa ku dhaawacmeen.

Waxaa jira gaari kale oo isna la sheegayo in daad kula tegay Toga Ceeldaahir laakiin weli ma jirto faahfaahin laga hayo, isgaarsiinta oo xun awgeed, balse baaritaan ayaa socda.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Bari ayaa sheegay in hada la amray laamaha amniga iyo baraha kontorool in la hakiyo isu socodka gaadiidka iyo dadka inta ay socdaan roobabka iyo daadadka.

Hase ahaate Waxaa la soo sheegayaa oo kale in dad badan ku xaniban yihiin wadada u dhexeysa Boosaaso iyo Qardho, dadka iyo gaadiidkooda ayaa dhinacyada ka jooga Togaga Ceeldaahir, Buuraan iyo labo wanley, halkaasi qoloba ay meel biyuhu ku go’doomiyeen waxay so baxday digniintaan maalinimadi shalay in Duufaano wato roob ka da’i doonaan puntland.

Muqdisho 18ka May 2018 Rag hubeysan oo loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab ayaa caawa weerar ku qaaday laba barkontorool oo ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho, sida ay inoo sheegeen Saraakiisha ammaanka.

Raggan hubeysan ayaa weeraro isku mar bilowday waxa ay ku kala qaadeen fariisin ciidanka dowladda ay ku leeyihiin Siinka-dheer iyo fariisin kale oo ciidamo Nabad sugid ah ay ku leeyihiin xaafada Galmudug oo ka tirsan degaanka Garasbaaley.

Guddoomiye kuxigeenka dhinaca arrimaha bulshada degaanka Garasbaaley Mudane Cabdullaahi ayaa inoo sheegay in weerarka uu ahaa mid kooban oo ciidamada ay iska difaaceen raggii weerarka soo qaaday.

Sidoo kale Guddoomiyaha arimaha bulshada degaanka Garasbaaley ayaa sheegay in Hal askari uu weerarka dhankooda kaga dhaawacmay, balse iyaguna ay khasaare gaarsiiyeen raggi weerarka soo qaaday.

“Waxaan idin xaqiijinayaa in rag ka tirsan Shabaab ay weerar ku soo qaadeen degaanka laba barkontorool oo ku taalla, ciidamada way isku difaaceen dableydii weerarka soo qaaday, Hal Askari ayaa naga dhaawacmay, iyaguna dhankooda Saddex ayaan waxyeelo ka gaarsiinay.” Ayuu yiri Gudoomiye Cabdullahjaasi.

Dadka shacabka ah ee halkaasi ku dhaqan ayaa marqura dareemay cabsi, maadaama halmar ay rasaas is qabsatay, xaalada goobaha ay weerarada ka dhaceen ayaa hada waxa ay tahay mid degan, ciidamada amman

Baydhabo 18ka May 2018 Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay weerar bambaano kaas oo dhaliyey khasaaro.

Wariyayaal ku sugan Baydhabo ayaa waxa ay soo sheegayaan in weerarka bambaano lagu qaaday askari ka tirsan ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed xilli uu Goob uu biyo ka cabayay,balse la sheegay in wax khasaaro ah aysan kasoo gaarin.

Ilaa 4 Ruux oo Shacab ah kun sugnaa Goobta uu qaraxa ka dhacay ee Xaafada Onodka baydhabo ayaa lasoo sheegayaa in ay qaraxaasi ku dhaawacmeen kuwaas oo loola cararay Isbitaalka Magalada Baydhabo.

Askarigii bam gacmeedka lagu weeraray ayaa furay rasaas taas oo aan weli la sheegin wax khasaaro ah oo ay geystay.

Xaalada Goobtii uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa hadda howlgallo baaritaan ah ka wada Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed kuwaas oo ku raad jooga dadkii ka dambeeyey weerarkaasi bambaano.

Tukaraq18ka May 2018 Deegaanka tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxaa kusii qul qulaya saraakiil ciidan oo ka socda puntland halkaas oo mudo laba maalin ah ay ku wada dagaalamayeen ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Puntland.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa halkaasi gaaray saraakiil ciidan oo ka kala yimid magaalooyinka Garoowe Nairobi iyo muqdisho,iyaga oo la kulmay saraakiisha dagaalka hoggaamineysa.

Warar aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in deegaanka tukaraq uu gaari doonaan saraakiil uu ka mid yahay Janeraal Maxamed Siciid Xeris (Morgan) oo ah musharax madaxweynaha Puntland kaas oo dalka dibadiisa ku maqan.

Janeraalka ayaa waxaa markii uu tago tukaraq uu lakulmi doonaa taliyaha Ciidamada puntland janeraal Siciid dheere oo ku sugan jiida hore ee dagaalka oo ay isku-hor fadhiyaan ciidamada Puntland iyo kuwa Soomaaliland.

https://www.youtube.com/watch?v=nNk6kaP_kIE

WARARKA MAANTA 16ka May 2018 Sir Culus! RAMADAAN KARIIM!

Su’aallaha Maanta:Maxuu Madaxweyne Maamul Gobaleedka #Somaliland G/Sare Muuse Biixi si been ah ugu sheegayaa shacabka Soomaaliyeed ee degan gobalada Waqooyi? Maxayse Maamul Gobaleedka #Somaliland Iyo Maamul Gobaleedka #Puntland iskugu dagaalayaan dhexda dhulka Maamulka #Khaatumo? Ma run baa inuu wixii fidmo dagaal ah ka dembeeyo Maamul Gobaleedka #Somaliland G/Sare Muuse Biixi oo xitaa beelaha Isaaq isugu dhiibaayaa hub si ay u dagaalamaan? Ma run baa inuu Madaxweynaha Maamulka Somaliland Mudane Muuse Biixi iscasili rabo? Ma run baa in Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Dr. Cabdi Cali Gaas ka shaqaynaayo burburinta iyo fashilinta xukuummadda federaalka ee uu hoggaaminaayo khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre? Yaa is hor casili doona madaxda Soomaaliyeed ee fashilantay? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha soos socda? Yaa noqon doona Guddoomiya soos socda? Yaa noqon doona Madaxweynaha soo socda?

Maxayse beesha caalamka u diiday in wax dhaqaallo ah la siiyo xukuummadda federaalka? Maxaa khaldan?

Muqdisho 16ka May 2018 Waxaa waxyar ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho lqba Hoobiyey oo lqga soo tuuray goob ka baxsqn magaalada iyagoona ku soo dhacayaan goobo aan la ogeyn.

Hoobiyaasha ka dib ayaa la maqalay rasaas xoogan oo  dhacay mana cada cid ay ku ridayaan  Rasaas iyo kooxaha ay u dhaxeyo

Magaalada Muqdisho ayaa caawa oo ah Rabadaan koow  lqguna soo dhaweeyey Hoobiyaal

Muqdisho 16ka May 2018 Warar nasoo gaaray ayaa Caawa wax ay sheegayaan in Guriga guddoomiyihii hore ee degmada Howl-Wadaag Maxamed Abuukar Jacfar Bamabanooyin lagu weeraray.

Rag la sheegay in ay hubeysnaayeen ayaa dad ka agdhow Hoyga Jacfar wax ay sheegeen in ay ilaa laba Bambaano ku tureen Guriga,isla markaana ay durba goobta ka baxsadee.

Weerarka bambaano ayaa dadka deegaanka waxa ay sheegeen in in ay ku dhaawacmeen laba askari oo ku sugnaa guriga guddoomiyihii hore ee degmada howlwadaag.

Sidoo kale Maxamed Abuukar Jacfar oo dhanka kale ah taliyaha Ciidanka xasilinta ayaa la sheegay in xilliga hoygiisa bambaanooyinka lagu weerarayay uu ka maqnaa.
Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya una dhow hoyga Maxamed Abuukar Jacfar ayaa usoo gurmaday kuwaas oo qaaday dhaawaca labada askari oo ka tirsanaa ilaalada taliyaha ciidanka xasilinta.

Muqdisho 16ka May 2018 Wasiirka Wasaaradda waxbarashadda dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa kaga digay dhammaan Ardayda Soomaaliyeed in ay dhibaato kala kulmaan waxyaabo been abuur ah oo ku saabsan Imtixaanka dowladdu qaadi doonto 19-ka Bishaan.

Wasiirka ayaa sheegay in markii ugu horreysay dowladda Soomaaliya ay bixisay Lacagaha ku baxaya Imtixaanadda, sidoo kalena markii ugu horreysay Imtixaanka dowladda lagu daabacay Gudaha Muqdisho.

Waxaa uu ka dhici doona Imtixaanka Afar maamul goboleed iyo Magaalada Muqdisho.

Sidda uu sheegay Wasiirka waxaa sanadkaan Imtixaan u fadhiisan doona  Todobo iyo Labaatan Kun iyo Lix Boqol oo Arday, waxaana lagu gali doonaa 120 xarumood.

Waxaa uu sheegay in ay jiraan dad marin habaabinaya Ardayda, islamarkaana doonaya in ay ka iibsadaan waxyaabo aan sax aheyn, islamarkaana aan aheyn Imtixaankii ay diyaarisay dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu  dhammaan Ardayda Soomaaliyeed ugu baaqay  in ay arintaasi ay ka muujiyaan Feejignaan si aysan dhibaato u kala kulmin.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in ay ka xun yihiin dhibaatadda soo gaartay Ardayda wax ka barata Magaalada Beledweyne, islamarkaana dib loo dhigay Imtixaankii Ardayda Beledweyne.

Baydhabo 16ka May 2018 Golaha Iskaashigga dowlad goboleedyadda ayaa goor dhow War kasoo baxay waxaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan dhexdhexaad ka aheyn Khilaafka ka dhaxeeya dowladdaha Carabta.

Waxaa ay sheegeen in ay walaac xooggan ka muujinaayaan xiriirka sii xumaanaya ee Soomaaliya iyo dowladda Imaaraadka Carabta.

Goluhu waxa ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay la safatay Hal dhinac taasina ay keenayso saameyn Ballaaran.

Golaha ayaa sidoo kale dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay faragelin ku heyso dowlad goboleedyadda xubnaha ka ah dowladda Soomaaliya.

Muqdisho 16ka May 2018 Kadib kulan ay yeesheen Golaha amaanka ee Qaramadda Midoobay ayaa muddo kordhin waxa ay ugu sameeyeen Howlgalka Midowga Afrika ee ka socda Soomaaliya.

Golaha ayaa sheegay in la kordhin doono Tiradda Ciidamada midowga Afrika AMISOM ee Soomaaliya ku sugan ,kuwaasi la gaarsiin doono 20,626 oo Askari,halka ay hadda yihiin 22,126 oo askari.

Sidoo kale Golaha amaanka Qaramadda Midoobay ayaa sheegay in uu jiro qorshe ku aadan 1,040 Askari oo booliska AMISOM ah,kuwaasi oo lagu badalayo Ciidamada Malatariga AMISOM ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

AMISOM ayaa waxaa lagu wadaa in gabi ahanba ay dalka isaga baxdo Sanadka 2020, waxa uuna bilaawday qorsha bixinta Ciidamadaa Sanadkii hore ee 2017-kii oo Soomaaliya laga Saaray 1,000 Askari oo katirsan Ciidamadda.

Israa’iil 16ka May 2018 Layla Anwar Al-qanduur oo 8 bilood jir ahayd ayaa u geeriyootay suntii ay Askarta Yuhuudda ku tuurayeen Dibadbaxayaashii Reer Falastiin ee Isniintii la soo dhaafay dhigay Dibaxbax ay kaga horjeedaan Safaaradda Maraykanka ee laga furay magaalladda Barakaysan ee Quddus-ta La-haysto.

Ilaa 60 qof ayaa isla maalintaasi laagu dilay Dibadbaxyadda looga soo horjeedo in Safaaradda Mraaykanka loo soo wareejiyo magaalladda Quddus.

Layla Anwar Al-qanduur waxay noqotay qofkii ugu da’da yaraa ee Falastiini ah oo ku shahiida Dibadbaxyadda haatan ka socda Marinka Qasa, waxayna Falastiiniyiintu dibadbaxyo ku xusayaan 70-guuradii ka soo wareegtay Maalinta ay Yuhuudda xoogga ku qabsadeen dhulalka Falastiin sannadkii 1948-kii, iyadoo Kumanaan Falastiiniyiin ah laga soo barakiciyey Deegaanadooda xoogga lagu haysto.

Shabakadda Falastiin ee Wada-xaajoodka ayaa sheegtay in Layla iyo Qoyska  reer Qanduur yihiin dad ka soo jeeda Deegaanka Al-shaad ama loo yaqaano Xeradda Xeebta oo ku taalla Galbeedka magaalladadda Qasa.

Si kastaba ha ahaatee, Falastiiniyiinta ay Askarta Yuhuudda dileen waxaa ka mid ah ugu yaraan 8 qof oo da’doodu ka hooseyso 18-sanno jir.

Muqdisho 16ka May 2018 Layla Wafdi uu hogaaminaayo Gudoomiyaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan ayaa maanta ku wajahan magaaladda Baydhabo ee Gobolka Baay.

Safarka Guddoomiye Mursal uu ku tegayo magaaladda Baydhabo ayaa lagu sheegay siduu ula kulmi lahaa madaxda Maamul goboleedyada ee ku shirsan halkaas .

Dhanka kale waxaa dib loo dhigay  war-murtiyeedka shirka Madaxda dowlad Goboleedyada uga socda Magaalada Baydhaba, oo la filayay in shalay lasoo saaro.

Qorshaha ayaa shalay  ahaa in lasoo gunaanado guud ahaan shirka, isla markaana laga soo saaro Warmurtiyeed la xiriira waxyaabaha ay madaxda kawada hadleen labadii maalin aynu soo dhaafnay.

Muqdisho 16ka May 2018 Layla Dr. Zakariya Xaaji Maxamuud Cabdi oo ka mid ah Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ee booqashada ku tegay dalka Qatar ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wargeyska ASHARAQ ee ka soo baxa magaalladda Dooxa ayaa sheegay inay Dowladda Imaaraadka Carabta ku xad-gudubtay Hawlihii DFS, isla markaana ay Heshiisyo la galeen dhinacyo kale.

Xidlhibaan Zakariya Xaaji Maxamuud Cabdi oo mar Wasiirkii Warfaafinta ka ahaa Dowladdii KMG ee Madaxweyne C/qaasim Salaad Xasan, waxa uu tilmamaay inay Dowladda Imaaraadka ka hor-joogsadeen qorshe ay ku doonayeen inay iyaga ku maaamulaan Ciiddamadda Somalia iyo Xeryahooda.

Khilaafka Siyaasadeed ee DFS iyo Imaaraadka Carabta soo kala dhex galay ayaa qeyb ka ah Khilaafka Dowladaha Khaliijka, iyadoo ay Dowladda Imaaraadka Galaangal aysan DFS ku qancin ka wadeen gudaha Somalia, isla markaana ay Maamulka Somaliland la saxiixdeen Heshiis ay Saldhig Milliteri kaga dhisanayaan magaalladda Berbera ee W/galbeed ee Somalia.

Dhinaca kale, Xildhibaan Zakariya Xaaji Cabdi waxa uu ka hadlay Xiriirka DFS iyo Dowladda Qatar, wuxuuna xusay inuu yahay mid aad u xooggan.

Waxa uu carrabka ku dhuftay inuu Xiriirka labada Waddan yahay mid Taariikhi ah, isla markaana uusan jirin Khilaaf caqabad ku ah Xiriirkaasi.

Dhinaca kale, Dowladda Qatar ayaa kordhisay Taageeradda Maaliyadeed iyo Samafalka ee ay ugu deeaaan DFS iyo Dadweynaha Soomaaliyeed.

Malaysia 16ka May 2018 Dowladda Malaysia, ayaa shaacisay in ay xabsiga ka siideysay Siyaasiga Caanka ah ee lagu Magacaabo Anwar Ibrahim,arrintaas oo wadada u xaaraysa in uu ku soo laabto siyaasadda Malaysia.

Mahathir Maxamed Ra’iisulwasaaraha cusub ayaa cafiska u fidiyay Anwar subaxnimadii Arbacada.

Mar ayaa loo arkayay hogaamiyaha mustaqbalka, waxaana loo xiray wax isdabomarin iyo dambiyo kale, ka dib markii ay maamulka is qabteen

Mahathir ayaa ballaanqaaday in uu labo sano gudahood xilka uga dagi doono si uu waddada ugu xaaro in Anwar uu noqdo ra’iisulwasaare.

Siyaasigan ayaa markii labaad la xiray saddex sano ka hor isaga oo ku tilmaamay in lagu oogay dacwad gacan ku rimis ah.

Afar sano ayuu hoggaaminay dhaqdhaqaaqa mucaaradka Malaysia, kaas oo hadda taladii kala wareegay xisbigii talada hayay, waana markii koobaad ee arrintaasi dhacdo taariikhda dalkaas.

Carabta 16ka May 2018 Wasiiradda  ayaa la filayaa inay berrito Kulan ku yeeshaan Xarunta Dhexe ee Ururka Jaamacadda Carabta ee magaalladda Qaahira, kadib, markii ay Dowladda Sacuudiga codsatay Kulankaasi.

Wakaalladda Wararka Bariga dhexe ee MENA  ayaa sheegtay inay Wasiiradda ka wada hadli doonaan Falki iay Askarta Yuhuudda ku dileen 60 Falastiiniyiin ah meel ku dhow Xuduudka Marinka Qasa uu la wadaagto Yuhuudda

Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee dalalka Craabta waxay kaloo ka wada arrinsan doonaan Go’aankii sharci-darrada ah ee Safaaradda Mraaykanka loogu soo wareejiyey magaalladda Barakaysan ee Quddus.Dhinaca kale, Ergadda Joogtadda ee Ururka Jaamacadda Carabta ayaa iyagana maanta Kulan ka yeelanayaa Tacadiga lagu hayo Reer Falstiin iyo Safaaradda ay Maraykanka ja furteen magaalladda Quddus-ta La-haysto,.

Tukaraq 16ka May 2018 Waxaa la sheegaya Xalay in uu markale Dagaal ka dhacay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ku dagaalamay Ciidamada maamulka Soomaaliland iyo kuwa Puntland,iyada oo dagaalkaas mid la mid ah uu dhacay shalay Subaxdii hore iyo waliba duhuradii.

Iyadoo aad u adag tahay helista Isgaarsiintii deegaanka Tuka-raq ayaa hadana dad ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Sool waxa ay sheegeen in ay maqlayeen jugta rasaasta ay isku ridayeen.

Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray labada dhinac maadaama ay aheyd xilli habeen ah,waxaana lasoo sheegayaa in xaalad kacsanaan ah weli laga dareemayo deegaanka Tuka-raq.

Waxana laba dhinac ee ka tarisan Masuuliyiin u hadashay labada Maamul ayaa sheegay dagaaladii shalay waxa ay ka kala sheegteen in ay guulo waaweyn ka gaareen balse weli majirto masuul soo bandhigay khasaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee dagaalkaasi uu sababay.

Siakstaba ha noqotee Wararkii ugu dambeeyey ee saakay naga soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in badi dadkii ku noolaa deegaankaas ay barakaceyn,iyaga oo ka cabsiqabo in dushooda lagu dagaalamo waxaana la filayaa in saacadaha soo socda xaalka isbadali doono.

Golaha Amniga Qaramadda Midooway 16ka May 2018 Talaaddadii waxa ay Bariga Dhexe u aheyd maalin eedo kulul la isku dhaafsanayay xaaladda ka taagan Israa’iil iyo dhulka Falastiiniyiinta.

Marinka Qaza qoysaska ayaa waxa ay aasanayeen tobonnaan qof oo ay Israa’iil toogasho ku dishay kaddib mudaharaadyo ka dhacay xadka.

Labo qof oo kale oo shacabka Falastiin ah ayaa dhintay Tallaadadii. Weriyaha BBC-da ee Qaza ayaa soo sheegaya in laga naxsan yahay tirada aadka u badan ee dhimashada Falastiiniyiinta.

Fadhi uu shalay yeeshay Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa hadallo kulul waxaa isku dhaafsaday ergeyda kala mataleysay Falastiin iyo Israa’iil.

Warqad uu ergeyga Falastiin u gudbiyay gollaha ammaanka waxa uu ku cambaareeyay

Waxa uu ugu yeeray xasuuq ba’an oo Israa’iil ay ka geysatay marinka Qaza.

Balse ergeyga Israa’iil ayaa sheegay in wixii ka dhacay xadka aysan ahayn oo keliya dibadbaxyo balse ay ahaayeen mudaharaad rabshado watay.

Waqooyiga Kuuriya 16ka May 2018 Kuuriyada Waqooyi ayaa waxa ay hakisay wadahadallo heer sare ah oo qorshuhu uu ahaa in la qabto maalinta Arbacada ah sababo lagu sheegay caro ka dhalatay dhoolatusyo milateri oo ay Koonfurta iyo Mareykanku wada sameeyeen.

Wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ee KCNA ayaa sheegtay in dhuultusyada ay wadajirka u wadaan Mareykanka iyo Koonfurta ay yihiin “daandaansi” iyo u diyaargarow weerrar.

Sidoo kale waxa ay uga digtay Mareykanka waxa uu ku dambeyn doono shirka taariikhiga ee lagu wado in 12-ka Juun uu dhexmari doono hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Bishii Maarso Madaxweyne Trump ayaa dunida kaga yaabiyay inuu aqbalay casuumaadda uu kula kulmi doono Mr Kim.

“Waxaannu isku dayi doonnaa inaannu kulankaasi ka dhigno mid gaar u ah Nabadda Caalamka!” Hogaamiyaha Mareyanka aya soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay inay isku sii diyaarinayso shirka Trump iyo Kim ay ku yeelan doonaan Singapore, sidoo kalana aanay ka warqabin in wax isbadel ah uu ku yimid mowqifka Kuuriyada Waqooyi.

Muqdisho 16ka May 2018 Wasaaradda arrimaha Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin ka soo saartay in maqaayadaha la furo oo cunto lagu kariyo maalinkii oo dadka ay sooman yihiin, inta lagu guda bisha Ramadaan.

Wadamada Caalamul islaam ee uu hoggaaminaayo Sacuudiga ayaa xalay fiidkii soo geba gebeeyay raadinta bilashada bisha Ramadaan,  waxayna sheegeen in maanta oo Arbaco ah ay tahay 30-ka Shacbaan, sidoo kale wadamadan ayaa waxa ay sheegeen in Khamiista ay tahay shaki la’aan maalinta 1-aad ee Ramadaan.

Xoghayaha guud ee Wasaaradda arrimaha Diinta iyo Awqaafta Sheekh Maxamed Khayrow Xasan ayaa Maamulka gobolka Banaadir iyo maamulada dalka ka jira ka codsaday in ay talaabo ka qaadaan soona qabtaan dadka cuntada u kariya kuwa aan soomin bisha barakeysan ee Ramadaan.

“Waxaa mamnuuc ah in iyada oo Ramadaan tahay maqaayadfaha maalinkii la furo laguna kariyo cunto, waxaan maamulka gobolka Banaadir iyo maamulada dalka jira ka codsaneynaa in ay la xisaabtamaan dadka falalkaas geysta, way shaqeysan karaan maqaayadaha afurka ilaa saxuurta.” Ayuu yiri Xoghaye Kheyrow.

Dhanka kale Sheekh Maxamed Khayrow Xasan Xoghayaha guud ee Wasaaradda arrimaha Diinta iyo Awqaafta ayaa Hay’adaha ammaanka ka dalbaday in ay ka hortagaan waxyaabaha maanka dooriya ee dalka la soo geliyo sida Qamriga iyo wixii la mid ah

Qatar 16ka May 2018 Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Qadar ayaa Waxay Xaflad qurux badan ee la soo agaasimay kuso dhaweeyeen  Maxaweynaha Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo Iyo Wafdi Balaaran ee la socday.

Xafladane waxaa kaso qayb galay dhamaan soomaalida ku dhaqan Dalka Qadar waxaana laga dheehan karay Soomaalida baseylka ay u qabaan dowladnimada iyo rajada ay ka leeyihiin dalka soomaaliya in hanaan dowladnimo helo.

UNISOM 16ka May 2018 Waxaa ka soo baxay warsaxaadeed Xafiiska Qaramada Midoobay ayaa si deg deg ah waxay ugu baaqday in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka soo cusboonaaday degaanka Tukaraq oo ay isku heystaan ciidan ka kala tirsan maamulada Somaliland iyo Puntland.

Kadib Marki ay Shalay dagaal uu ku dhexmaray ciidanka Somaliland iyo Puntland, wuxuuna dagaalkaas geystay khasaare kala duwan oo labada dhinac soo gaaray, maadaama uu socday ilaa gelinkii dambe.

Ergaga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa war qroaal ah oo uu soo saaray wuxuu ku sheegay in colaad aysan waxba tareyn balse loo baahan yahay in xasarada loo bedelo wada hadal labada dhinac ay yeeshaan.

Wakiilka Qaramada Midoobay waxay labada maamul ku boorineysaa inay wada hadal yeeshaan, ayna muhiim tahay in ay gaaraan heshiis xabad joojin iyo mid siyaasadeed, ka Hay’ad ahaan mar walba waxaan taageernaa nabadda, colaada waxaa ka dhasha in la waayo dad shacab ah oo aan waxba galabsan.” Ayuu yiri Micheal Keating.

Sikatsba hanoqotee Danjiraha QM ee fadhiya Soomaaliya ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo kan Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ka dalbaday inay si deg deg ah khilaafkooda ugu raadiyaan  xal nabadeed, si loo badbaadiyo dad badan

Qatar 16ka May 2018 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ka walaacsanyahay dagaalka saaka kasoo cusboonday deegaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool, kaasoo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Madaxweynaha waxa uu ugu baaqayaa Madaxda, Odayaasha Dhaqanka, Culumaa’diinka, Ururrada Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo Dhallinyarada in ay u istaagaan sidii loo joojin lahaa dagaallada haatan socda.

“Waxaa nasiib darro ah in uu dhiig daato, waliba xilli loo diyaar garoobayo gudashada acmaasha bisha barakeysan ee Ramadaan.”

“Waa in dagaalka Tuka-raq si degdeg ah oo shuruud la’aan ah lagu joojiyaa, wax walbana loo maraa dariiqa wadahadalka.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu sidoo kale, baaq u diray beelaha walaalaha ah ee maalmihii lasoo dhaafay ay dirirtu ku dhex martay deegaanka Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag.

Madaxweynahu waxa uu tacsi u dirayaa ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyoday Tuka-raq iyo Ceel Afweyn, wuxuuna Alle uga baryayaa inuu dhaawaca degdeg u bogsiiyo.

https://www.youtube.com/watch?v=k3xWg-sHlxs

WARARKA MAANTA 14ka May 2018 Sir Culus!

Su’aallaha Maanta: Maxaa ka jira inuu Wasiirkii Qorshaynta Mudane Jamaal uga hormaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Cawd dalka Qatar? Maxxay labada Wasiir ugu kala tartamayaan inay aadaan dalka Qatar? Maxaa ka jira inuu qasab isku-casili rabo khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre? Maxuu yahay shirka looga hadlaayo Dastuurka Fadaraalka ee lagu soo casuumay saxiibo iyo qaraabo si been iyo maaweelo loogu sheego Ummadda Soomaaliyeed si lacago loogu cunno? Ma noo sheegi karaa meesha ay mareen lacagihii ay beesha caalamka ka ballanqaaday Dowladda Soomaaliya khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre? Mase ma noo sheegi karaa $ 3 million ee uu khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre ugu ballanqaaday in dastuurka wax looga qabanaayo meesha uu ka keenaayo asagoo u sharaxaya Ummadda Soomaaliyeed mise heshiis qarsoodi ah ayuu la soo galay shisheeye wata dastuur gooni u ah? Maxuuse u rabaa khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre in la burburiyo dowlad gobaleedyadda dalka ayagoo raba inay ka takhalusaan Dastuurka Fedaraalka Dalka? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha soo socda? Yaa noqon doona Madaxweynaha soo socda? Yaa noqon doona Guddoomiyaha soo socda? Yaa maanta runta qarin kara? Maxaysan Dowladda Federaalka uga soo qayb-galiweysay shirka Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada dalka oo magaalada Baydhabo ka furmay?

Muqdisho 14ka May 2018 Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxeynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweyne Shariif Xasan oo marti loo yahay.

Dhammaan madaxda maamul goboleedyada ayaa shalay waxa ay gaareen magaalada Baydhabo, marka laga reebo Shariif Xasan oo maalin kahor tagay halkaasi, waxaana shirkan looga hadlayaa siyaasadda Soomaaliya ee xilligan iyo arrimaha amniga.

ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana xerooyinka laga soo saaray ciidamo cusub, kuwaasi oo la dhigay wadooyinka iyo xarunta shirka lagu qabanayo, si ay uga hortagaan arbushaad dhacda inta uu socdo kulanka.

Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa waxa ay sheegayaan in dowladda Soomaaliya ay walaac ka muujineyso waxa ka soo bixi kara shirkan, maadaama maalmahn uu jiray mad madow u dhaxeeyay madaxda dowladda iyo qaar ka tirsan madaxda maamul goboleedyada.

Kulankan ayaa waxa uu noqonayaa shirkii labaad ee ay yeeshaan Madaxda dowlad goboleedyadda oo ku mideysan dalladda Golaha Iskaashiga dowlad goboleeyadda, kadib kulan bishii October 2017-kii ay ku yeesheen magaalada Kismaayo.

Muqdisho 14ka May 2018 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay kormeer uu ugu kuur gelayay xaaladda amni ee caasimadda ku soo maray qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Benaadir.

Mudane Xasan Cali Kheyre oo ay kormeerkiisa ku wehliyeen Wasiirka Amniga, Taliyaha iyo Taliye ku xigeenka Nabad-sugidda iyo saraakiil kale ayaa ciidamadda xasilinta waxay la qaateen waqti iyagoo kula dardaarmay inay laban-laabaan shaqada ay qaranka u hayaan.

Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo ka warbixiyay kormeerka shaqo ee R/Wasaaraha Soomaaliya uu ku  sameeyay Magaalada ayaa sheegay in uu ahaa mid loogu koor-galayay amniga Magaalada Muqdisho

“Kormeerka shaqo waxuu ahaa in aan u kuur galno Nabadgalyada magaalada muqdisho, waxaana ka bilownay dhanka Madaxtooyo ilaa waxaan sii tagnay Deyniile kor ayaan u sii dhaafnay ilaa Tareedisho, waxaan ka sii aadnay ilaa Jasiira, Kaxda meelahaas dhan ayaan kormeer Ku sameynay”. Ayuu yiri Wasiir Ducaale.

Sidoo kale Wasiirka amniga ayaa waxa uu sheegay hadafka inuu ahaa in Ciidamada ay la qeybsadaan xaalada ay ku shaqeynayaan, maadaama uu tilmaamay inay yihiinMas’uuliyiinta Qaranka.

“Shacabka Soomaaliyeed waxay ogaanayaan in har iyo habeen aan u taaganahay, hadda waa Saddexdii Habeennimo Salaadda Subax ayaa dhalan rabta, waxaana joognaa ilaa iyo Magaalada daafaheeda oo aan Kormeer ku soo marnay, Amniga magaalada wuu sugnaa.” ayuu yiri markale yiri Wasiirka amniga.

Kormeerkan amni ee xalay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya saacadaha badan Ku bixiyay ayaa qeyb ka ah qorshaha lagu xoojinayo amniga Caasimadda dalka, inkastoo weli ay jiraan falal amniga ka baxsan oo ka dhacaya gudaha iyo banaanka magaalada.

Qatar 14ka May 2018 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Dooxa ee caasimadda Qatar, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah.

Madaxweynaha ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Hamad Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta Dowladda Qatar Mudane Jassim Sayf Axmed Al Sulayti, Ku Simaha Safiirka Soomaaliya ee Qatar Mudane Mukhtaar Cali Yuusuf iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala Safaaradda.

Madaxweyne Farmaajo inta uu ku suganyahay dalkan waxa uu la kulmi doonaa Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, iyaga oo ka wada hadli doonaa xiriirka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Wasiirrada booqashada ku wehlinaya Madaxweynaha ayaa dhankooda kulamo gaar gaar ah la yeelan doona Wasiirrada dhiggooda ah.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa kamid ah Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryam Aweys Jaamac, Wasiirka Caafimaadka Drs Fowsiyo Abiikar Nuur, Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Jamaal Maxamed Xasan.

Iraq 14ka May 2018 Natiijooyinka hordhaca ah ee doorashadii Baarlamaaniga ahayd ee ka dhacday dalka Ciraaq Sabtidii ayaa tilmaamaya in labo xisbi siyaasadeed oo kale ay dhanka codadka kaga horreeyaan isbahaysiga uu hoggaamiyo Raisul Wasaare, Haider al-Abadi.

Codadka intooda badan ayaa la tiriyey ku dhawaad kala badh gobolada dalka, xisbiga siyaasadeed ee uu hoggamiyo wadaadka shiicada ah ee lagu magacaabo Moqtada al-Sadar ayaa u muuqda in uu kaalinta hore kujiro doorashada.

Mr Sadar ayaa soo baxay kadib markii la riday Saddaam Xuseen, asagoo ahaa hoggaamiye koox dhalin yaro ah oo kadhisan deegaan aad sabool u ah oo kamid ah magaalada Baqdaad.

Cid kasta oo ku guulaysata doorashadaan ayaa looga baahan yahay isudheelli tirka tartanka ay gobolka ugu jiraan Maraykanka iyo IIraan.

Muqdisho 14ka May 2018 Maalmihii lasoo dhaafay waxaa aad loo xoojinaye Amaanka magalaada muqdishu si loo xaqeejiyo amniga Caasimada, dhinaca qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ayaa waxaa lagu arkayaa Ciidamo iyo Gaadiid dagaal oo kala midab ah.

Sida la arkaye Habeenadmadi Xalay Ciidamada iyo Gaadiidka dowlada ayaa waxaa joogeyn Isgoosyada waaweyn ee magaalada Muqdisho, kuwaa oo qeyb ka ah ciidamada Xasilinta caasimada.

Ka dib markii ay Ciidamada Shan shan u taaganayeen Isgoosyada magaalada ayaa baaraya dhammaan gaadiidka raaxada, BL-ka iyo Gaadiidka kale ee isticmaala waddooyinka mashquulka badan.

Sidoo kale Hubka ka xisaabinayaan Gaadiidka ay la socdaan mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha ciidan kuwaa oo maalmo un ka hor la faray inaanu qaadan Karin 4 qori kabadan waan amarki uu bixiyey dhawaan Waziirka Amniga ee ahaa in la fuliyey amarada ay horey usoo rogtay xukuumada.

Sikastaba ha noqotee Xukuumada Somalia, gaar ahaan Wasaarada amniga ayaa Seddex maalin un ka hor sheegtay inaanu mas’uul ka noqon doonin cawaaqibta uu la kulmo mas’uulkii ama Sarkaalkii Muqdisho ku dhexqaata Afar qori iyo wixii kabadan.

Hase yeeshee , ciidamadaani ayaa loogu tallo galay inay xaqiijiyaan amniga magaalada Muqdisho inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan oo laga cabsi qabo in ay falal amni xumi ku kacaan Ururka Alshabaab.

Muqdisho 14ka May 2018 Uqaabilsanaha Midowga Afrika ee Somalia Mr Francisco Madeira ayaa sheegay in Midowga Africa ay dib u eegayaan isbedelada Siyaasadeed iyo mida Amni ee ka jirta Somalia.

Wakiilka Madeira, ayaa ku nuux nuxsaday inay  isbedel weyn ka dareemayaan dalka Somalia, dhinacyada Amniga iyo Siyaasada, dhaqaalaha waxa uuna carab dhabay in isbedelkaasi uu yahay mid muuqda oo lagu amaani karo Dowlada Federaalka Soomaaliya.

‘’Waxaanu dooneynaa inaanu dib u daraaseyno Amniga iyo Siyaasada Somalia, waxaanu dareemeynaa isbedel ka jira Somalia’’
Francisco Madeira, waxa uu sheegay in isbedelka ugu weyn uu yahay mid ka jira dhanka amniga, waxa uuna carab dhabay in taa ay tahay mid ka turjumeysa guulaha ay ciidamada Midowga Africa usoo hoyiyeen Somalia.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Ciidamada Dowlada Somalia ay kasoo kabsanayaan halkii ay dhowr sano ka hor taagnaayen, isagoo tilmaamaya dowlada soomaaliya ay isku tashatay Somalia.

Saraakiisha iyo Ciidamada Midowga Africa ayuu sheegay inay isgarbtaagayaan ciidamada Somalia, inta ay Somalia kusii sugan yihiin maleeshiyaadka al-Shabaab ee aadka uga soo horjeeda Nabadda Somalia.

‘’Waxaa inoo harsan inaan awooda ugu badan siino ciidamada Somalia, qeybahooda kala duwan, waayo waxaa lagu jiraa xiliga ay dowlada Somalia la wareegi laheyd amniga guud ee Somalia’’
‘’Waa xaqiiq Somalia wey heysataa ciidamo ku filan oo hanakara amniga Somalia oo idil, keliya waxaan u baahanahay inaanu tixraacno Jadwalka aan kusoo afmeeri laheyn ka bixitaankeena Somalia’’
Midowga Africa, ayaa dowlada Somalia ugu baaqay inay la imaado dadaal dheeri ah oo dhabaha u xaari kara Somalia oo gabi ahaan ku jirta gacanta Dowlada.

Sikastaba hanoqote  magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka furmay shir looga hadlaayay qorshaha dib u habeynta Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo ay ka qeybgaleen wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, danjirayaasha wadamada safaaradaha ku leh dalka, wakiil ka socday UNDP, Wasiirrada amniga maamulgoboleedyada hoosyimaada dowladda iyo Saraakiil ka socotay ciidamada AMISOM.

Haddalka Francisco Madeira, ayaa kusoo beegmay xili Midowga Africa uu ka shaqeynaayo sida Somalia looga dulqaadi lahaa ciidamada AMISOM isla markaana amniga loogu wareejin lahaa ciidamada dowlada.

14ka May 2018 Ila lagu kasoonan ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ka mid ahaa wafdiga Madaxweynaha ee Doxa u ambabaxay laga reebay safarka Madaxweynaha, xilli uu garoonka diyaaradaha ku diyaar garoobay.
Sababta loo reebay ayaa lagu sheegay in Wasiirka Qorsheynta Qaranka Jamaal Maxamed Xasan oo aan wafdiga ka mid aheyn uu si lama filaan ah shalay gelinkii dambe ugu sii hormaray magaalada Doxa.

Arinkaan ayaa noqonay mid  kala qeybin karta Golaha waziirada inkastoo Wasiir Jamaal oo ka baxay Nairobi ayaa waxaa safarkiisa ku sii wehliyay Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin iyo La Taliyaha Madaxweynaha Balal Cusmaan.

Sida la ogsoon yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa muddooyinkan dadaal ugu jiray sidii loo wanaajin lahaa xiriirka mugdiga ah ee soo kala dhex galay dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka wuxuna safarkaan ahaa mid muhiim ah waziirka iyo Xukuumada soomaaliya.

Sikastaba ha noqotee Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa muddooyinkan dambe la sheegayay inuu ka ashtakoonayay in shaqadii Wasaaraddiisa uu la wareegay Wasiirka Qorsheynta oo dhowr shir uu ka qeyb galay, hab maamuus ahaana uu lahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda wuxuuna dareensan yahay in waziir Jamaal uu shaqadi loo igmaday fulineynin.
Ugu danbeyn hab maamuus ahaan Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa sida caadada ah Safarada rasmiga Madaxweynaha uu ku tago dalalka dibadda ku wehliya ama uga sii hormara Madaxweynaha dalka uu u socdo tani.waxay keeni kartaa in xukuumada dhaxdooda isku qab qabsadaan shaqooyinka ay qabanayaan.

https://www.youtube.com/watch?v=bi560rZesiI

WARARKA MAANTA 12ka May 2018 Sir Culus!

Su’aallaha Maanta: Maxaa ka jira inuu qasab isku-casili rabo khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre? Maxaase ka jira inuu Agaasimaha Madaxtooyadda Fahad Yaasiin dhowr jeer u sheegay Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo inuu xilka ka qaado Khaa’inul waddan Raysal wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raamsade” oo ay beesha caalamka si qayaxan/cad u diiday inay wax dhaqaallo ah si toos ah u siiso muddo sannad iyo dhowr bilood ah? Maxuuse Fahad Yaasiin oo si xeelladaysan u fashilay xukuummadda fashilantay ee uu hoggaaminaayo khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre? Yuu Agaasimaha Madaxtooyadda Fahad Yaasiin u soo wada Raysal wasaaraha soo socda? Yaase amray in dad shacab ah lagu laayo Bariire mar kale? Meeqo askari oo ka shaqaynaysay Madaxtooyadda Soomaaliya ee “Villa Soomaaliya” ayaa lagu xiray sharci-darro kadib markii sir badan iyo siriq badan oo siyaasaddeed ay ka fashilantay Agaasimaha Madaxtooyadda Fahad Yaasiin? Meeqo dumar ah ayeey kufsadeen madaxda dalka ilaa iyo wakhtigii ay soo qaan-gaareen ilaa iyo hadda oo ay hayaan xilalka dalka ugu sareeya? Maxaa ka taqaanaa naanaysta Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal “Bakhti-Uroone”? Xagge/halkee ayuu marayaa dastuurkii marna la xaday marna la soo helay? Taa maanta runta ka qarin kara Ummadda Soomaaliyeed?

Muqdisho 12ka May 2018 Xukuumada Uu Hogaamiyaha ka yahay Mudane Hasan Ali Khayre waxay dhisan tahay hal sano 2 bilood waxana la ogyahay in sanadka ay jirto wax badan ka qabatay amniga iyo horumarinta dhaqaalaha iyo wax ka badalida sharciyada dalka. Xukuumada Khayre wuaxay noqonaysaa Xukuumadii ugu horeesay ee isla xisaabtan iyo wada shaqeyn muuqata qabatay inkastoo ay jiraan dhaliilo badan oo ay usoo jeediyeen siyaasiyeen ka soo horjeeda xukuumada iyo kuwa taageersan sida aan ognahay xukuumada waxaa ka maqan dhowr waziiro iyo ku xigeeno kuwaa oo qaarkood iska casilay waziirnimada qaar xilka laga qaaday.

Xiligaan ma haboontahay in xukuumada ay ka banaantahay boosaska waziirada muhiimka ah sida Wasiirka Gashaadhika iyo waziir Diinta iyo Awqaafta iyo Waziirka warfaafinta iyo waziirka Gargaarka iyo musiiboooyinka kuwaa iyo kale ayaa jira, wa ay adagtahay in dal burbursanaa mudo fara badan islamarkasne wax lagu qaybsado qaab qabile ah in si dag dag ah laguso dhiso waziiro kuwaa ay leeyihiin beelo kala duwan hase ahaate maxaa la gudboon mudane Hasan ali khayre.

Xukuuumada waxaa ugu muhiimsan ee ubaahan tahay in ay wax ka qabato waxaa ka mid ah in laso magacaabo boosaska ka banaanka xukuumada islamarkasne la dar-dar galiyo mashaariicyada ay ku hashiiyeeyn dowlada qadar iyo dowlada mareekanka kuwaa oo ahaa mashaariic muhiim ah u ah dalka guud ahaan waxaa kaloo muhiim ah in dastuurka KMG ah la meel mariyo si loo gaaro qof iyo cod waxaa kaloo jira in maamul gobaleydyada qaar ay muujinayaan kalsooni la’aan ayagoo intooda badan la safan wadamo shishiiye waana xal kale oo u yaalo xukuumada in ay la timaado falsafad ay ku siin karaa kalsoonida dowlada dhexe maamulada dadban.

Waxaan ognahay xukuumada in ay dunida tustay wax qabad muuqda iyo dhiiranan siyaasadeyd taas oo amaanteyda leeyahay Xasan ali khayre uu ahaa hogaamiye ku saleysan argti iyo go’aan qaadasho wuxuuna mar waliba u taagan yahay sida soomaaliyada cusub uga gadi lahaa dunida inteeda kale waxaan la soconaa in xukuumada ay ubahantahay waqti ku filan in ay hesho waxaana taasi sura galiyay madaxweynaha soomaaliya Mudane mohamed abdullahi Farmaajo oo sii yey kalsooni ay ku shaqeyn karaa halke dowladahii ka horeeyey dowladaan ay intooda badan isku dhaganaaye madaxda ugu sareysaa dalka.

Hadaba xukuumada wa in ay ilaalisaa wax dib ubdhac u keeni kara dalka iyo musuq maasuqa baahsan ee ka jira dowlada dhaxdeyda haba noqotee qaabka shaqaaleysiinta iyo safiirada la magacaabayo iyo daqliga kuso galo mashaariicda si loo helo dowlad ka fog musuq maasuq iyo eexasho waxaana la hubaa hadii ay sidaa sameyso xukuumada khayre hogaamiyo in uu heli doona taageerida shacabka iyo guud ahaan beesha caalamka.

Muqdisho 12ka May 2018 Ururka Argagixisada Al-shabaab ayaa saakay tiro Hoobiyayaal ahaa waxa ay ku weerareen Saldhiga Dowladda turkey-ga ee ku yaala deegaanka Jaziira ee duleedka magaaladda Muqdisho.

Jugta culus ayaa saakay aroortii laga maqlay qaar kamid ah Xaafadaha Magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Sida shabaab ayaa warbaahintooda ku baahiyeen ilaa 13-madfac ayay ku weerareen Saldhiga Dowladda turkey-ga ee ku yaala deegaanka Jaziira ee magaaladda Muqdisho.

Xiliga saldhiga la duqenayay ayaa la sheegay in Ciidamadda Dowladda federaallka Soomaaliya ay tababar isku diyaarinayeen.

Wali ma cadda khasaaraha dhabta ah ee duqeymuhu geysteen.

Muqdisho 12ka May 2018 Waxaa maalmihii lasoo dhaafay soo ifbaxaaye khilaaf u dhaxeeya Maamulada jubalaand iyo puntulaand ayagoo si toos ah u cadeeyey khilaafkaan sii wiiqi karo awooda dowladnimo ee la filaayo in la gaaray. Tan iyo markii ay soo baxeen in ay maamulada Jubbalanad iyo Puntuland si toos ah ula safteen Emaraadka iyagoo doonaayey fikir kaas in ay ka gadaan maamulada kale ee saxiibka la ahaa sida Galmudug iyo Hirshabeel iyo Koonfur Galbeed hase ahate waxaa lala yaaban yahay labadaan maamul ee kala hogaamiyaan Axmed Madoobe iyo Abdiwali gaas sababta ay mar waliba u khilaafsan yihiin dowlada dhexe taas oo ah mida ay hoos yimaaan.

Hase noqotee Waxaana taa si cad uga hor yimid labada Maamuul Galmudug iyo Hiirshabeele kuwaa oo toos ula saftay dowlada Feferaalka waana mid ay ku fashilmi doona hadii ay sii wadaan khilaafka iyo hagar daamada la doonayo horumarka ummadda soomaliyeed waxaana muuqaneyso in wali carqalad iyo faragalin ku heyso dowlada Emaraadka wadanka Soomaaliya.

Muqdisho 12ka May 2018 Ma ahan marki ugu horeesay ee dadka ku dhaqan magaalada muqdishu jidgooye lagu sameeyo hase ahaate tan iyo markii ay dhaceen qaraxyadii ka kala dhacay agagaarka Madaxtooyada iyo xarunta nabad sugida ee km 0 ee ekis Baar fiyaad ayaa waxaa muuqata in gabi ahaanba wadaada hor marta Baar Fiyaat ay ka xirteyn labada dhinac iyadoona loo diiday xitaa masuuliyiinta dowlada in ay maraan wadadaas waxayna keentay in shacabka ku abuurtay cabsi xoogan. alabdaan ee qaadayaan Ciidamada Nabad sugida ayaa waxay jidgooya ku tahay Hoteel Fiyaat iyo Saldhiga Bari waxaana lagu gooyey siligyo
Sidoo kale Masuuliyiinta dowlada ayaa horay uga dhawaaqay in dhamaan la furay wadooyinka Muqdisho taa sida hada muuqato wali ay xiran yihiin wadooyin muhiimka u ah bulshada ku dhaqan magalada muqadishu.

Sikastaba ha ahatee  wa wax aad loola yaabo hey adii nabada sugeysay in ay iyada  ay xirato xarunteed  cabsi ay ka qabaan in la soo weeraro taa shacabka Soomaliyeed la yaab ku noqotay

YAE 12ka May 2018 Wasiirul dawlaha arrimaha dibadda ee dalka Imaaraadka Carabta Dr. Anwar Qarqaash, ayaa sheegay in Imaaraadka Carabtu aaminsanyahay Soomaaliya mid ah, wuxuuna sheegay in UAE ay awoodaan xaqna u leeyihiin inay taageeraan dadka reer Somaliland. Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa shalay baahisay warbixin dheer oo ay ciwaan uga dhigtay “Imaaraadku waxa ay Milateri ahaan isku fidinayaan Yemen iyo Soomaaliya”, taas oo ay kaga hadashay

Ciidamada Imaaraadka Carabta oo toddobaadkii hore tagay jasiirada Suqadara, iyagoo ciidamadu watay Taangiyo iyo diyaarado dagaal.

Wakaaladda Reuters, waxay warbixinteeda qayb ka mid ah ku waraysatay wasiirul dawlaha Arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta Dr. Anwar Qarqaash, oo sheegay in taageerada ay u fidinayaan Somaliland iyo maamulada kale ee Soomaaliya aanay UAE uga jeedin in la kala qaybiyo Soomaaliya, wuxuuna sheegay inaanu jirin khilaaf u dhexeeya UAE iyo dawladda Soomaaliya. “Siyaasaddayada ah in aanu aqoonsannahay Soomaaliya mid keliya ah, weli waa halkeedii .. Laakiin, isla markaasna waxa aanu awoodnaa in aanu dadka Somaliland ka caawino mashaariicda bani’aadanimo iyo horumarineed.” Intaas ayay wakaaladu ku soo koobtay hadalka uu Dr. Anwar kaga hadlay arrinta Somaliland iyo Soomaaliya.

Wakaaladda Reuters, waxa ay ka hadashay xidhiidhka iskaashi ee u dhexeeya Somaliland iyo UAE oo ay tilmaantay in UAE ay sii xoojinayso kaas oo salka ku haya maalgashiga DP world ee dekedda Berbera.

Warbixintan Reuters, waxa kale oo lagu soo qaatay waraysi uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi siiyay wakaaladda Reuters, markii uu safarka ku tagay dalka Imaaraadka Carabta, wuxuuna Madaxweyne Biixi sheegay in Imaaraadka Carabtu Somaliland ka caawinayaan dhinacyada ammaanka iyo horumarka iyo la dagaalanka argagixisada. Sidoo kale saldhiga ay UAE ka dhisanayso magaalada Berbera ayaa isna waxa Reuters u xaqiijiyay madaxweyne Biixi, waxaanay Reuters isku xidhay saldhiga milatari ee UAE ka dhisanayso Berbera iyo ciidamadooda tagay jasiirada Suqadara.

Source: Geeska Afrika

Malaysia 12ka May 2018 Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Malaysia Najib Razaq iyo xaaskiisa ayaa laga mabnuucay inuu dalka ka dhoofo, waxaana sidaasi shaaciyay laanta socdaalka ee dalkaasi.

Arrinkani ayaa imanaysa ka dib markii Najib Razaq uu sheegay in isaga iyo qoyskiisa ay doonayaan inay dalxiis u aadeen dibedda.

Isbuucii la soo dhaafay ayay ahayd markii Najib Razaq iyo xisbigiisa Barisan Nasional ay la kulmeen guuldaro naxdin lahayd.

Najiib ayaa lagu eedeeyey inuu lunsaday lacag gaaraysa 700 oo milyan oo doolar, eedaasoo uu isagu diiday.

Maalintii khamiista ahayd ayaa Mahathir Maxamed waxaa loo dhaariyay inuu noqda Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Malaysia, wuxuuna noqonayaa hogaamiyaha caalamka ugu da’ weyn.

Dr Mahathir Maxamed ayaa howgabnimadii kasoo laabtay kana adkaaday saaxiibkiisii hore.

Muqdisho 12ka May 2018 Xildhibaanada Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya  ayaa maanta kulan ku yeelanaya xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Xubnaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Ajendaha maanta horyaala Golaha uu yahay Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Shirkadaha (company law), kaas oo xiligaan dalka muhiim u ah.

Hindise Sharciyeedka Shirkadaha ayaa maanta laga hor aqrin doonaa xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, iyada oo kulanka ay ka qeyb galayaan guddoonka Golaha Shacabka.

Muqdisho 12ka May 2018 Dilkaan ayaa ka dhacay Suuqyaradaha Degmadda Dharkinley,waxaana la sheegay in wiilka uu ku sugnaa Suuqa islamarkaana ragga hubeysnaa ay halkaas ku weerareen.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dad goob-joogayaal ahaa kooxda hubeysneed ayaa wiilka dhalinyaradda ahaa ka toogtay qeybaha sare ee jirka wuxuuna ku geeriyooday isla goobta.

Ragii ka dambeeyay dilka ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana durbadiiba gaaray Ciidamadda amaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya oo haatan halkaas ka wada baaritaano.

Amniga Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa faraha ka baxay, kadib markii ay kordheen dilal qorshaysan ay geystaan kooxaha hubeysan.

Africim 12ka May 2018 Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaano(Africom)ayaa War-Saxaafadeed ay soo saareen waxa ay kaga hadleen weerarkii ay ka qeyb qaateen oo maalin kahor ka dhacay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliska ayaa War-Saxaafadeedka waxa ay ku sheegeen in iyaga oo caawin iyo talooyin siinaya Ciidamada Dowladda Soomaaliya laga fuliyey howlgalkaas degaanka Bulcida ee dalka Soomaaliya.

“Waxaan la soconaya in dqueyntaas la sheegayo in ay ku waxyeeloobeen dad rayid ah laakin Warbxinada aan heleyno waan qaadaneynaa anaga oo si adag u sameyneyno baaritaan dheer si loo xaqiijiyo waxa ka jira in weerarkaas lagu dilay dad rayid ah ayaa lagu yiri War-saxafadeedka ka soo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika.

Sidoo kale waxaa Warsaxaafadeedka lagu sheegay in dib u-eegis lagu sameynayo Warbixinada ay ka helayaan gacanta Saddexaad laakin hadii ay xaqiiqoobaan wararka soo baxaya oo sheegaya in dad rayid ah ay ku waxyeeloobeen weerarkaas in tallaabo adag ay qaadi doonaan.

Gaba  gabadii ayaa War-saxaafadeedka waxa lagu sheegay in weli ay siiwadi doonaan taageerada Millateri ay siinayaan ciidamada dowladda iyo werarada ka dhanka ah Urrurada waxa loogu yeero argagaxisada.

Sikastaba Khamiistii ayaa Muqdisho waxaa la keenay Shan ka mid ah dadkii ku geeriyooday weerarkaas iyo 4 dhaawac ah kuwaas oo dhammaantood la sheegay in ay Shacab ahaayeen,waxana dhinaca kale Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya uu isna soo bandhigay Magacyada Saraakiil uu sheegay in lagu dilay weerarkaas,kuwaas oo ka tirsanaa Al=-Shabaab.

France 12ka May 2018 Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa kasoo muuqanaya filim lagu soo bandhigi doono mehrajaanka aflaamka Cannes, ee Faransiiska.

Macron oo dhallinyaronimadiisii kusoo baxay jilliinka masraxyada, halkaas oo xitaa ahayd meesha uu kula kulmay xaaskiisa, ayaa hadda isaga oo madaxweyne ah kasoo muuqanaya filim cusub oo laga jillay isbadalada ku dhacay Faransiiska tan iyo sanadkii 1968-dii, xilligaas oo uu kacay kacaankii ardayda.

Filimkan ayaa lagu magacaabaa La Traversée, kaas oo uu Macron kasoo muuqanayo 7 daqiiqo.

Macron ayaa filimka uga soo muuqanaya si lama filaan ah, isaga oo xitaa ka naxsanaya jillayaasha kale oo aanan markaas isaga filanaynin.

Waa markii ugu horeysay oo madaxweyne Faransiiska ah uu jillo filim inta taariikhda lagu hayo

Filimka ayaa waxaa kale oo kasoo muuqanaya dad badan oo kala duwan oo uu xitaa ka mid yahay nin imaam ka ah masaajid dalkaas ku yaala si loo ogaado fikradiisa Faransiiska.

Waa dhif iyo naadir in hoggaamiyeyaasha adduunka ay aflaamka jillaan, dadka la garanayo illaa hadda waxaa ka mid ah boqorada Ingiriiska oo filim la jishay atooraha James Bond, waxaa kale oo jillay Nelson Mandela isaga oo kasoo muuqday filimkii 1992-dii ee Malcolm X oo ahaa hoggaamiye u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dadka madoow ee Maraykanka.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa isna jilley filim sanadkii 1992-dii, kaas oo lagu magacaabo Home Alone 2.

Kenya 12ka May 2018 Wakaaladda biyaha ee dalka Kenya ayaa sheegtay in si sharci darro ah loo dhisay biyo-xireen gudaarada jabsaday, kadibna ay ku dhinteen wax ka badan 40 qof.

Biyo-xireenka oo lagu magacaabo Patel ayaa laga dhisay beer ku taala meel 190km u jirta magaalada Nairobi, balse mulkiilaha beertan ayaa beeniyay in wax qalad ah ay sameeyeen.

Afhayeen u hadlay wakaaladda ayaa sheegay in aanan wax ruqsad ah loo haysanin markii la dhisayay biyo-xireenka.

Tirada dhimashada waxa ay hadda gaaraysaa illaa 45 qof, iyada oo ay weli la la’yahay dad ay biyaha la tageen.

Vinoj Kumar oo ah maamulaha beerta ayaa sheegay in biyo-xireenka la dhisay 20 sano ka hor, aysana jirin wax sharci darro ah oo la sameeyay.

Illaa 70 kun oo litir oo biyo ah ayaa ku butaacay guryihii ka ag dhawaa, taasna waxa ay sababtay in qasaare xoog leh uu dhashay.

Biyaha ayaa wax kasta burburiyay xitaa iskuuladii, iyada oo dadka qaarkood ay ka warameen hanfariirka ku dhacay markii ay biyaha ku dhufteen. Mid ka mid ah dadka ayaa BBC-da u sheegay in uu geed ku dhagay si uu u badbaado.

Shaqaalaha gargaarka ayaa baadigoobaya raq iyo ruux wixii daadka ka haray, iyaga oo xitaa meydad ka dhex baaraya dhiiqada dhexdeeda.

Beerta Patel ayaa waxaa ka baxa ubaxa iyo bunka, waxaana la sheegay in ay jiraan beero kale oo leh biyo-xireeno ay suurtogal tahay in ay fatahaan haddii aanan hadda laga neefinin sida uu sheegay guddoomiyaha degmada Nakuru.

Illaa 22 kun oo qof ayaa ku guryo beelay masiibadan.

Muqdisho 12ka May 2018 Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arimaha Soomaaliya Danjire Micheal Keating ayaa lagu waddaa in uu maanta taggo Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland sidda ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonkaro.

Booqashadaan Wakiilka Qaramada Midoobey ayaa la filayaa in Madaxweyne Gaas kala hadli doono xaalada ka taagan tuulada Tukaraq halkaas oo ay isku horfadhiyaan ciidamo ka tirsan labadda maamul ee Somaliland iyo Puntland.

Waxayna doonayaan wafdiga ka socda Qaramadda Midoobey  in la dejiyo Xiisadda Siyaasadeed ee ka taagan degaankaasi, Maadaama wali ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland iyo Somaliland.

Hase ahaate waxaa jiray baaa uu dirat Madaxweyne Gaas Qaramada Midoobey in ay soo farageliso Xaaladda degaanka Tukaraq oo mudooyinkii ugu danbeeye is hortaagnaa ciidamo kawada tirsan Somaliland iyo Puntulaand.

Dowlad Gobaleedka Jubbaland 12ka May 2018 Wasaarada Datuurka, Cadaalada iyo Arimaha Diinta ee maamulka Jubbaland ayaa sheegay in aysan ka qeyb gali doonin shirka looga hadlaya arimaha Dastuurka oo maalinta berri la filayo in uu ka furmaya magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Dr.Aadan Ibraahim Aw Xirsi ayaa sheegay in aanan ka qeyb gali doonin shirka looga hadlayo Arrimaha Dastuurka, inkastoo uusan caddeynin sababta ka dambeysa in ay ka qeyb gali waayaan shirkaasi.

Wasaaradda dhilinyarada iyo ciyaaraha ee maamulka Jubbaland ayaa horay u sheegay in ay xariirka u jartay wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha ee dowlada dhexe kadib markii eedeeymo ay u soo jeediyeen.

Dowlada dhexe ee Soomaaliya ayaan wali ka hadlin eedeeymaha loo soo jeediyay ee ugu imaanaya maamul goboleedka Jubbaland.

https://www.youtube.com/watch?v=Sk4GyS2tkhw&feature=youtu.be&a=

WARARKA MAANTA 10ka May 2018 Sir Culus! Ha dhawow Guddoomiya Bakhti-Uroone!
Su’aallaha Maanta: Maxay tahay sababta uu khaa;inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raamsade” u diiday inuu ka jawaabo su’aal uu weydiin rabay askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed kaasoo si sharaf darro ah ula hadlay asagoo amar ku bixiyey inuu askarigaas istaago oo meesha kabaxo? Mise Ma waxuu umalaynayaa khaa;inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raamsade”inuu shacabka Soomaaliyeed ka qarin karo ari carbeedkii uu la baashaali jiray xaafada oobasiibada ka dembaysa warshadda caanaha Muqdisho? Mise waxuu malaynayaa inuu ku qarin karo fashilka iyo musuqmaasuqa baahsan ee haysata xukuummadda khaa;inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raamsade”? Maxaa ka taqaanaa nanaysta cusub ee Guddoomiayah Golaha Xildhibaannad Aqalka Hoose Mudane Maxamed Mursal Shiikh “Bakhti-Uroone”? Maxay beesha caalamka ugu diiday inay wax dhaqaallo ah siiso xukuummadda fashilantay ee Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha soo socda? Yaa noqon doona Madaxweynaha soo socda? Yaa noqon doona Guddoomiya soo socda? Waa run way fashilmeen kuwan muddo sannad iyo bilo ah ayeey beesha caalamka u diiday inay siiso wax dhaqaallo ah sidaas awgeed waxaanu u sheegaynaa Ummadda Soomaaliyeed Iyo dhammaan golaha labada aqal inay soo doortaan madax cusub inta aysan dowlad gobaleedyada dalka ka dhex jira aysan burburin dowladda Soomaaliya ee weli soo dhaafi la madaxtooyadda Muqdisho iyo nawaaxigeeda!

Shabelle Hoose10ka May 2018 Duqeyn iyo dagaal culus ayaa waxay ka dhacday deegaan ka tiraan shabellada Hoose kaas oo lagu magacaabo Macalinka.
Ciidamada Kumaandooska Dowlada Soomaaliya ay la socdeen Ciidamo Mareykan ah ayaa lagu soo waramayaa in xalay howlgal ka fuliyeen Deegaan u dhaxeeya Degmada Afgooye iyo Bariiri.
Sida aan Wararka ku helnay ciidamada howlgalka fuliyay ayaa watay diyaaradaha nuuca Qumaatiga u kaca, waxa ayna ciidankan howlgalka xoogiisa ka fuliyeen deegaan ku dhaw Bariire oo lagu magacaabo Macalinka.
Dadka ku dhaqan deegaanka Macalinka  ayaa ku waramaya in ay maqlayeen rasaas xoogan iyo qaraxyo ay u maleenayaan in ay ahaayeen duqeyn, waxa ayna sheegeen in howlgalka dhacay xalay Saqdii Dhaxe xili ay dadku jiifeen.
Warbaahinta afka Al Shabaab taageerta ayaa qortay in ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida ay dileen shan qof oo beeraley ah kuwaa oo la socday gaari Cagaf cagaf ah oo waday Qudaar sida ay sheegeen.
Dowlada Soomaaliya iyo Mareykanka ayaan wali ka hadlin howlgalkan xalay ciidamada wada jira ka fuliyeen Deegaano katirsan gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana ciidankan horey howlgalo kala duwan uga fuliyeen degmooyin iyo deegaano katirsan Sh/ Hoose.
Ma ahan weeradada Nuucaan kii ugu horeeyey ee ka dhaca Shabellada Hoose hase ahaate waxay tani sii xoojineysaa Dagaalka lagu jiro urur Alshabaab.
Qatatr 10ka May 2018 War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibadda Qatar ayaa lagu cambaareeyay qarax dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dowlada Qatar ayaa sheegtay in ay kasoo horjeedo nuuc kasta oo argagaxiso ah, waxa ayna sheegtay Qatar in ay aad uga xun tahay qaraxii dadka badan ku dhinteen ee shalay ka dhacay Wanlaweyn.
Qatar ayaa balan qaaday in dowlada Soomaaliya ay siineyso taageero dhinaca amaanka ah si looga hortago kooxaha argagaxisada, waxa ayna Qatar sheegtay in Soomaaliya muhiim tahay in laga caawiyo dhinaca amaanka.
Dowlada Qatar oo xiligan xiriir dhaw la leh Soomaaliya ayaa u muuqata mid wadamada kale kaga hormareysa cambaareynta qaraxyada ka dhaca Soomaaliya, waxa ayna Qatar marar badan balan qaaday in dhinaca amaanka ka taageereyso Soomaaliya.
Muqdisho 10ka May 2018 Dr Mahathir Bin Maxamed oo dalka Malaysiya kasoo noqdey Ra’iisal wasaare xafiiskana fadhiyey marka laga soo bilaabo Bishii July 16-kedii Sannadkii 1981-kii ilaa Bishii Oktoobar 31-kedii Sannadkii 2003-dii ayaa intii uu wadankaas hogaaminayey waxaa lagu xasuustaa inuu dhinacyo badan ka horumariyey sida dhaqaalaha,waxbarashada,la dagaalanka musuq maasuqa iyo mideynta dadkiisa waxaana shacbiga reer Malaysiya uu u yahay halyeey taariikhdooda baal dahab ah kaga jira waxaana ay ugu yeeraan “Aabihii horumarka Malaysiya”
Hogaamiye Dr Mahathir markii uu qabtey xukunka dalkiisa ilaa inta uu kursiga ka dagayey ayaa waxyaabaha la xusi karo ee uu ku guuleystey iyo riyooyinkiisii u rumoobey waxaa ka mid ah ah inuu dalkiisa hooyo ee Malaysiya uu ka dhigo wadan ku talaabasaday horumar dhinacyo badan leh.
Haddaba Mahathir Mohamad oo haatan 92 jir ah isla markaana ah hogaamiyaha ugu da’da weyn caalamka ayaa ku guuleystey doorasho taariiqi ah oo shalay ka dhacday dalka Malaysia isagoo hogaaminayey isbahaysiga mucaaradka waxaana guushiisa markii la xaqiijiyey wadooyinka waaweyn ka dhacay dabaaldegyo lagu muujinaya libinta Hogaamiye Dr Mahathir Bin Maxamed.
Waxyaabaha kale muhiimka ah ee la xusi karayo waxaa ka mid ah Dr Mahathir Maxamed dalkiisa hanti kama dhicin kamana shaqeysan ee wuu u shaqeeyey iyadoo la xasuusan yahay markii uu xukunka qabanayey Malaysiya ay ka mid aheyd dalalka dunida ugu faqiirsan waxaana markii xukunka uu ka degayey ka dhigey wadan dhinacyo badan ka dhisan laguna daro wadamada guuleystay ee horumarka gaarey.
Intii uu hogaamiyahan reer Malaysiya uu xukunka haayey waxuu u noolaa sida caadiga ah ee muwaadiniinta reer Malaysiya iskama qarin jirin shacabkiisa ee Basaska ayuu la raaci jirey miiska ayuuna wax kula cuni jirey goobaha Cibaadada sida Masaajidyada ayuuna kula kulmi jirey.
Ra’iisal wasaare Dr Mahathir Maxamed ummadda reer Malaysiya waxey u hayaan ixtiraam weyn waana hogaamiye ay ku faanaan dadkiisu iyo guud ahaan caalamka islaamka.
Muqdisho 10ka May 2018 Ilo lagu kasloonaan karo ayaa waxay nasoo gaarsiiyey dhalinyarada Qaar ka mid ah ee ka tirsan Nabad sugida ayaa xiliyada habeenkii ah qal qal ka abuura xeebta liida kuwaa oo shacabka oo xiliyada habeebkii neecaaw u doonta xeebta liida madaama xiligaan lagu jira xili kuleeloah. mid ka mdi ah dadka ku sugnaa xeebta liida ayaa inaga codaaday inan xigano magaciisa ayaa sheegaya in ay dhalinayarada Nabad sugida bistooliyinka kor u ridayaan si aan ku dhisneen sharci taa oo keentay cabsi iyadoona mar marka qaar dhaxdooda ku dagaalaman islamarkasne hoosta isagu dhigaan xabadaha.
Waxaa kale oo jirto in ay Bistooladahooda mar marka qaar u dhibanaan dhalinyaro aan ka tirsaneen ciidanka taas oo keenta in ay si ciyaar ciyaar ah qof sargaal uga qabtaan halkaasna ka dhasho muran keeni karo goobta ka dhacdo israsaaseen.
Dhanka kale habeenadi lasoo dhaafay ayaa waxaa ka dhacday in gabdh Soomaliyeed lagu xoogay islamarkasne wiilki la socday la jir dilay iyadoo dhacdadaas aheyd mid fool xun kadib nin dhalinayro ah oo ka tirsan ciidamada dowlada lagu dhawacay  xeebta liida isbuuciyada lasoo dhaafay.
Sikastaba ha noqotee waxaa maqan doorki ay lahayeen Dowlada hoose kuwaa aan la hayn Boona kastuumo oo ah ciidamada anshaxa kuwaa oo xiligaan siweyn looga baahan yahay in la sameeyo si ay uga hor tagaan anshaxa xun ee mar marka qarkii ka dhaca xeebta liida xiliyada habeenkii ah.
Muqdisho 10ka May 2018  Munaasabad lagu caleema saarayo Guddoomiyahacusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta ka dhaceysa magaalada Muqdisho.
Caleema saarka loo sameynayo Guddoomiyaha cusub Baarlamaanka ayaa ka dhaceysa xarunta Dugsiga tababarka Booliska ee Jen. Kaahiye, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay.
Wakiilo ka socda Beesha Caalamka ayaa lagu casuumay caleema saarka Guddoomiyaha cusub ee
Baarlamaanka.
Madaxda ugu sareysa dalka iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya munaasabadda caleema saarka oo qaban qaabadeeda laga dareemayay tan iyo shalay. Munaasabadda caleema saarka ayaa ku soo aadeysa, iyadoo Guddoomiye Mursal uu maalmo ka hor shir guddoomiyay kulankiisa u horeeyay, lana kulmay Guddiyada Joogtada Golaha shacabka.
30-kii bishii April ayay aheyd markii Guddoomiye Maxamed Mursal loo doortay xilka Guddoomiyaha
Golaha Shacabka, kaddib markii uu is casilay Guddoomiyihii hore Maxamed Sheekh Cusmaan
Jawaari.
Iiraan 10ka May 2018 Ciidammada Israa’iil ayaa haysta buuraha Golan Heights ee ku yaalla Koonfurta Galbeed ee Suuriya  Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in xoogagga Iiraan ay gantaallo ku soo garaaceen fadhiisimaha ay ku leeyihiin buuraha Golan Heights ee la haysto.
Wuxuu sheegay in ciidammada kacaanka ee Iiraan ay soo rideen ku dhawaad 20 gantaal, arrintaasina ay dhacday subaxnimadii hore ee Khamiista qaarkoodna la qabtay balse aysan wax khasaare nafeed ah ka dhalanin.
Horraantii bishan ayay Israa’iil sheegtay in ay aragtay “dhaqdhaqaaq aan caadi ahayn” oo ay samaynayaan ciidammada Iiraan ee gobolka ku sugan.
Ciidammadooda ku sugan buuraha Golan Heights ayayna feejignaan dheeri ah galiyeen, shacabkana waxay ugu baaqeen in ay gabaad raadsadaan.
War qoraal ah oo uu soo saaray milatariga Israa’iil ayaa lagu sheegay in ay arrintan u arkaan mid adag ayna sameeyeen diyaargaraw qaabab kala duwan ah.
Jonathan Conricus oo u hadlay ciidammada ayaa sheegay in Israa’iil ay aargoosatay balse faahfaahin kama uusan bixinin.
Wakaaladda wararka ee Suurriya ee Sana ayaa mar dambe sheegtay in habka difaaca lidka diyaarada lagu soo riday gantaallo hawada Suuriya soo galay.
Horraantii toddobaadkan ayuu telefeshinka Suuriya baahiyay muuqaal uu ku sheegay gantaal ay Israa’iil soo ridday oo ku soo hoobanaya meel u dhaq Dimishiq
Xaqiijintan u dambaysay ayaana dabo socota gantaallo la sheegay in Israa’iil ay ku garaacday saldhig milatari oo ku yaalla koonfurta magaalada Dimishiq ee caasimadda u ah Suuriya Talaadadii.
Wakaaladda wararka ee Sana ayaana ku warrantay in lagu gantaal lagu qabtay agagaarka Kiswah labo ruux oo shacab ahna ay ku dhinteen qarax
Baarliin 10ka May 2018 Gabadh Muslimad ah oo macalimad ka ahayd dugsi hoose ayaa ku guuldaraysatay dalab ay ku doonaysay in meesha looga saaro sharciga dadka dawladda u shaqeeya ka mamnuucaya in ay soo xirtaan dhar diimeed.
Xaakim ku sugan maxkamad Baarliin ku taalla ayaa sheegay in ay dastuurka waafaqsan tahay sharciga dhexdhexaadnimada ah ee magaaladu ka qaadatay macalimiinta, booliiska iyo masuuliyiinta maxkamada.
Lix iyo tobanka gobol ee Jarmalku ka kooban yahay waxaa ka jira shuruuc kala duwan oo ku saabsan madax asturashada iskuullada dhexdooda.
Saddex sano ka hor ayay maxkamada dastuurka ee Jarmalku laashay mamnuucitaan guud oo macalimiinta oo dhan laga saaray madax asturashada.
Maxkamadda federaalka ayaa soo xigatay xoriyadda diinta, inkastoo dhammaan shaqaalaha dawladda laga mamnuucay in ay niqaab xirtaan ama wajiga dabooshaan, balse xijaabka waa la ogol yahay.
Tan iyo sannadkii 2015kii maxkamadaha ayaa go’aanno kala duwan ka gaaray macallimiinta Muslimiinta ah ee ka shaqeeya gobollada kala duwan.
Macalimaddan Baarliin ayaa hal maalin oo kali ah ka shaqaysay iskuulka ka hor intii aan loo wareejin koleej laga ogol yahay in ay madaxa asturato.

https://www.youtube.com/watch?v=kPA8i7VuYpc

WARARKA MAANTA 9da May 2018 Sir Culus!

Su’aallaha Maanta: Maxay tahay sababta uu khaa;inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raamsade” maalin walba ula kulmayaa madax ka socota hay’adda Qaramadda Midooway iyo hay’addo kale oo farabadan asagoo umalaynaaya inay u wadaan lacago uu saami ahaan u qaato sida shirkadda Soma Oil and Gas? Xaggee ku dembeeyey Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo “Been Hawaas” oo muddo ballamo been ah iyo sheekooyin huuhaah ah u beerlaxaawsanaayey dadweynaha Soomaaliyeed ee uu sida qaldan u qalday oo uu u soo xullay Raysal Wasaare khaa’inul waddan ah oo musuqmaasuqiisa ay ka yaabeen Hay’addaha Shisheeye Iyo Hay’addaha ka warbixiya musuqmaasuqa waddamada iyo dowladdaha ka talliya? Maxay tahay sababta labada masuul ku kaliftay inay galaan khiyaano qaran oo ay khaa’inul waddanimo ku dheehan tahay? Maxayse lacagta badan ugu bixiyeen in xilka laga tuuro Guddoomiyihii hore ee Goalaha Xildhibaannadda Soomaaliyeed Mudane Prof. Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari? Maxay beesha caalamka u diiday inay wax dhaqaallo ah siiso xukuummadda uu hoggaaminaayo Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raamsade? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha soo socda? Maxay lacagaha hadda ay Dowladda Soomaaliya ugu bixinaysaa in xilka laga tuuro Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland? Yeey Dowlad #Soomaaliya rabtaa inay ku badasho Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka #Puntland? Maxay tahay sababta uu taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugidda Iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Denjire Cabdilaahi Sanbolooshe?

Muqdisho 9da May 2018 Wasiirka Wasaaradda waxbarashadda dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa kaga digay dhammaan Ardayda Soomaaliyeed in ay dhibaato kala kulmaan waxyaabo been abuur ah oo ku saabsan Imtixaanka dowladdu qaadi doonto 19-ka Bishaan.

Waxaa uu sheegay in ay jiraan dad marin habaabinaya Ardayda, islamarkaana doonaya in ay ka iibsadaan waxyaabo aan sax aheyn, islamarkaana aan aheyn Imtixaankii ay diyaarisay dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu  dhammaan Ardayda Soomaaliyeed ugu baaqay  in ay arintaasi ay ka muujiyaan Feejignaan si aysan dhibaato u kala kulmin.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in ay ka xun yihiin dhibaatadda soo gaartay Ardayda wax ka barata Magaalada Beledweyne, islamarkaana dib loo dhigay Imtixaankii Ardayda Beledweyne.

Maamulka Puntland 9da May 2018 Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo ka hadlayay arrimaha la xiriira Aqalka Sare ayaa waxa uu sheegay 2011-kii markii Dastuurka la sameynayay, maamulka keliya ee ku doodayay in la dhiso Aqalka Sare in ay aheyd Puntland.

Waxa uu sheegay Maamulka kale ee xilligaasi jiray in ay aheyd Galmudug oo aan dhameystirneyn, keliyana ay aheyd Magaalada Gaalkacyo barkeeda, Galmudugna xilligaasi aysan dooneyn Federaal.

“Lama rabin in la dhiso Aqalka Sare, waan qasabnay, laakiin hada waxba nama tarin, wax hada uu na taray oo uu noo soo kordhiyay ma jirto, Dagaal baan waxaan ku galnay inaan helno 11 xubnoo

WARARKA MAANTA 17ka Feebaraayo 2018 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Soo ma oga Xildhibaan daba-dhilif Mustaf inay Tigraygii gooryaanka iyo injirlayda ahaayeen inay burburiyeen Itoobiya oo ay hadda la yihiin meel ay ku dhuuntaan? Yaa noqon doodna Raysal Wasaaraha soo socda? Maxuu isku-casili la yahay Khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre oo ku fashilmay hoggaaminta xukuummaddiisa ay beesha caalamka u diideen inay wax dhaqaallo ah siiso? Maxuuse Khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre uga dalbaday inuu si deg deg ah isku casilo Wasiirka Amniga Mr. Isloow oo horayba ugu guuldaraystay amniga magaalda Muqdisho kaliya inuu xalliyo? Maxaase muddo afar bilood ah wax mushahar ah loo siin waayey xildhibaannadda? Maxayse beesha caalamka u diiday muddo hal sanno ah inay wax dhaqaallo ah siiso xukuummadda uu hoggaaaminaayo Khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre oo ay horay u kashifeen musuqmaasuqiisa iyo la shaqaynta argagixisadda ka dhex shaqaysa Soomaaliya? Mar haddii ay burburtay Dowladdii Tigreeyaga ma laga yaabaa inay Itoobiya oo ay gobal gobal u kala jarjareen Tigraygii bakhtiga ahaa inay ku dhawaaqaan madaxbannaani goballadaas mise dagaal sokeeye ayaa ka dhex billaaban doono Ethiopia? Maxay shacabka Soomaaliyeed 98.7% u rabaa inuu Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo shaqada ka cayriyo Khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre oo sida la xaqiijiyey ay beesha caalamka u diiday inay wax dhaqaallo ah siiso xukuummaddiisa sababo la xiriira musuqmaasuqiisa baahsan iyo tayo xummada xukuummaddiisa oo ilaa iyo 6 wasiir siyaabo kala duwan ay uga tageen shaqada? Yaa Raysal Wasaare noqon doona? Maxaase laga rabaa qofka noqon doona Raysal Wasaaraha soo socda?

http://www.somaoilandgas.com/shareholders/

Muqdisho 17ka Feebaraayo 2018 Gaadiidkani nuuciisu yahay Landcroser oo 30 xabo ah ayaa dowladda Soomaaliya waxay ka guddoontay Dowladda Qadar,kuwaasi oo loogu talagaly Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, kadib munaasabad kooban oo ka dhacday gudaha dekedda Muqdisho.

Waxaa dowladda Soomaaliya u guddoomay Wasiirka Amniga oo uu ka guddoomay Danjiraha Dowladda Qadar ee Soomaaliya Eng. Xasan Bin Xamza,iyadoo uu goob joog ka ahaa Wasiir kuxigeenka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda iyo mas’uuliyiin kale.

Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa dowladda Qadar uga mahadceliyay dowrka ay ku leedahay Taageerida dowladda Soomaaliya iyo Shacabkeeda.

“Waxaa mahad iska leh Alle Subxaanahu watacaalaa,intaasi kadib waxaan rabaa in hortiina aan uga mahadceliyo Dowladda Qadar,safar aan dhawaan ku tagay Dalkaasi Qadar waxaan la kulmay Ra’iisul wasaaraha Dalka Qadar ahna Wasiirka Arrimaha gudaha Sheekh  Cabdalla C/naasir Bin,wuxuu balanqadaay in uu taageero Dowladda Soomaaliya,taageeradaasi ayaa bilaabatay,waxaana maanta aan ka guddoonay 30 baabuur nuuca Landcroser ah,kuwaasi oo loogu talaglay in Ciidanka Booliska”.Ayuu yiri Wasiir Islow.

Muqdisho 17ka Feebaraayo 2018 Khilaaf ayaa soo kala dhex galay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jen. C/wali Jaamac Xuseen (Gorod) iyo La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo Cabdisaciid Muuse Cali kaasoo ka dhashay qoraal la taliyuhu u diray taliska xoogga dalka. Warqada uu diray la taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca amaanka oo talo soo jeedin aheyd oo ka hadleysay arrimaha ciidamada Xoogga dalka iyo in aan amar la’aan la qeybin hubka iyo rasaasta, isla markaana macluumaadka lala wadaagi karin Beesha Caalamka wakiilada u jooga Somalia.

Balse, Warqad jawaab ah oo ka soo baxday taliyaha ciidanka XDS ayaa digniin loogu jeediyay la Taliyaha Madaxweynaha ee dhanka arrimaha Amniga, waxaana loogu sheegay in aanu awood u laheyn inuu soo farageliyo arrimaha ciidamada, ayna yihiin arrimahaas kuwo u yaalla taliska ciidanka iyo Wasaarada Gaashaandhiga

La Taliyaha ayaa looga digay inuusan mar dambe warqada noocaas  uu u soo qorin Xafiiska Taliyaha Ciidamada xoogga dalka

Hoose ka akhriso qoraalada ay labada dhinac isdhaafsadeen:-

Itoobiya 17ka Feebaraayo 2018 Golaha wasiirrada ee dalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in xaalad degdeg ah ay dalkaasi ku soo rogeen maalin kaddib markii uu iscasilay Ra’iisul Wasaare Hailemariam Desalegn.

Desalegn ayaa sheegay in iscasilaaddiisa ay muhiim u tahay si wax looga qabto cabashooyinka dawladda lagaga soo horjeedo oo dad badan ay ku dhinteen, kuwa kale oo badanna ku dhaawacmeen.

Iscasilaadiisa ayaa ku soo beegmaysa kaddib muddo bilooyiin ah oo ay dalkaasi ka socdeen dibadbaxyo dowladda looga soo horjeedo.

Dibadbaxyada ayaa intooda badan ka socday gobollada Oramada iyo Amxaarada, iyadoo kuwii ugu dambeeyayna ay ku dhinteen 10 qof tira kaalana waa ay ku dhaawacmeen.

Isbahaysiga dalka xukuma waxay kaloo ballan qaadeen wada hadallo si la isugu dayo in xal loo helo dhibaatooyinka siyaasadeed ee dalkaas ka taagan.

Germany 17ka Feebaraayo 2018 Ciidamada la dagaalanka Argagixisadda ee dalka Jarmalka ayaa xabsiga ka dhigay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay in uu horay uga tirsanaa dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan Gudaha Soomaaliya.

Waxaa lagu Magacaabaa Shaqsiga la xiray Cabdiqaadir, waxaana da’diisa lagu sheegay 20 sano jir.

Ciidamada Booliska  ayaa ku eedeeyay in uu ku lug lahaa isku day dil oo lala damacsanaa Mas’uul katirsan Dowladda Federaalka oo aanan Magaciisa iyo Darajadiisa la sheegin.

Falkaasi ayaa ka dhacay Sanadkii 2012-kii, waxaana la sheegay in uu doonaayay in uu dilo Mas’uulkaasi xilli uu kasoo baxay Masjid Laakiin uu ka badbaaday.

Hay’adda Sirdoonka ee Jarmalka ayaa Muddo sanooyin ah ku daba jirtay Cabdiqaadir, waxaana ugu dambeyntii ay ku qabteen Gobolka Hesse ee dalka Jarmalka.

Maalmaha soo socda ayaa lagu waddaa in uu kasoo hormuuqdo Maxkamad ku taalla dalkaasi.

Dakar Senegal 17ka Feebaraayo 2018 Dacwad oogaha maxkamadeynta kiiska ugu weyn ee musuq maasuq ee waddanka Senegal ayaa ku baaqay in xasbiga loo taxaabo maayirka caasimadda dalkaasi.

Hasayeeshee taageerayaasha maayirka ayaa rumaysan in kiiska maxkamadda yaal uu yahay mid la siyaasadeeyay.

Iyadoo uu markale ku soo celiyay qodobbada kiiska uu gacanta ku hayo ayuu dacwad ooge Serigne Bassirou Gueye waxa uu ku baaqay in Khalifa Sall uu xabsiga ku qaato muddo todoba sanno ah sidoo kalana lagu ganaaxo lacag gaarayso 10.4 milyan oo doolar.

Maayirka ayaa xabsiga ku jiray tan iyo bishii Maarso ee sanadkii tegay.

Waxaa haatan lala maxkamadeynayaa todoba qof oo ka tirsan dowladda hoose ee caasimadda Senegal ee Dakar, kuwaas oo loo haysto inay si khaldan u isticmaaleen 3 milyan oo doolar oo kharashka dadweynaha ah.

Qareennada u doodaya ninkaasi ayaa la filayaa inay iyagana markale maalinta Isniinta ah isku soo dubaridaan qodobbada ay ku difaacayaan ninkaasi.

Duqa caasimadda Senegal ee Dakar oo sidoo kale ah xildhibaanka dalkaasi ka tirsan ayaa taageero badan ku leh magaaladaasi.

Waxa ay ku andacoonayaan inuu bari yahay ninkaasi iyo in kiiska yaal maxkamadda loogu talagalay in loogaga hor istaago inuu awoodda kula loolamo Madaxweynaha haatan talada haya ee Macky Sall.

Shabeelaha Hoose 17ka Feebaraayo 2018 Xilli Mudooyinkii ugu dambeeyay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay howlgallo ay ka waddeen degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa arintaasi siyaabo kala duwan uga hadlay qaar ka mid ah waxgaradka degaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Waxgaradka ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay la wareegeen degaano ka tirsan Shabeellaha Hoose, islamarkaana ay soo dhaweeyeen dadkii kunoolaa degaanadaasi , balse Ciidamada dowladda ay haddana ay ka baxeen deganaadaasi, islamarkaana ay Shabaab ka qabsadeen Mar kale.

Suldaan Cali Shariif oo ka mid ah Waxgaradka degaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in dadka Shacabka aysan u rooneyn howlgallada ay waddaan ciidamada.

Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in ciidamada dowladda degaanada ay ka qabsadaan Shabaab in ay ka sameystaan Saldhigyo, islamarkaana ay difaacaan dadkii Shacabka ahaa ee soo dhaweeyay.

Hadalka kasoo baxay Naddoonka ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada dowladda Soomaaliya ay waddeen howlgallo lagu dagaallamaayo dagaalyahanada Al-Shabaab.

Boosaaso 17ka Feebaraayo 2018 Waxaa saaka magaalada Boosaaso, xarunta ganacsiga Puntland  ka bilaabaneysa dejinta alaabta dooni ku soo caarisay, taasi oo muddo 9 maalin lagu howlanaa bad-baadinteeda.
Doontan soo caarisay ayaa la bad-baadiyay kadib markii dekad macmal ah ka dhiseen qeyb ka mid ah dekadda Boosaaso,  arrintaas oo markii dambe keentay in khamiistii lagu guuleystay la gaaro xilligii alaabta laga dajin lahaa.
Wasaaradda maaliyadda Puntland ayaa dhankeeda sheegtay in doontaasi aan laga qaadi-doonin wax canshuur ah.

Doonidan ayaa hantida  saarneyd  lagu qiyaasay illaa 7 Milyan oo Dollar, waxaa ay jirtay fogaan 50 Mitr ah, waxaan ugu dambeyntii lagu guuleystay in la bad-baadiyo.
Dadweynaha Boosaaso, ganacsato, ciidan, culimo, haween iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ayaan u kala harin bad-baadinta doonta, taasi oo la ammaanay.

Maraykanka 17ka Feebaraayo 2018 Madaxa baaritaanada farogelinta la sheegay in Ruushka uu ku sameeyay doorashadii ka dhacday Mareykanka, Robert Mueller ayaa saddex iyo toban qof oo u dhashay dalka Ruushka ku eedeyay inay ku lug lahaayeen farogelinta Ruushka uu ku sameeyay doorashadii ka Mareykanka.

Sidookale dhowr shirkadood oo laga leeyahay dalka Ruushka ayaa iyaguna lagu eedeyay inay qeyb ka ahayeen farogelinta Ruushka, waxaana shirkadahaasi kamid ah wakaaladda cilmibaarista internet-ka ee fadhigeedu yahay magaalada St Petersburg ee Ruushka.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa dhankiisa beeniyay inuu wax xiriir ah ka dhaxeeyay kooxdiisii ololaha doorashada iyo Ruushka, balse waxaa Trump soo dhaweeyay eedaha dambi ee uu Robert Mueller usoo jeediyay muwaadiniin Ruush ah.

Dacwad oogayaasha ayaa intaa ku daray in faragelinta oo bilaabatay bishii May ee sannadkii 2014 lagu doonayay in lagu waxyeeleeyo nidaamka siyaasadeed ee waddanka Mareykanka.

Mr Trump ayaa waxaa

Kenya 17ka Feebaraayo 2018 Maamulka gobolka Isio ee dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in ay gacanta ku dhigeen gaari siday waxyaabaha qarxa iyo sidoo kale hub kasoo ka yimid gudaha Soomaaliya, islamarkaana kusoo jeeday qeybo ka mid ah Kenya.

Waxa ay sheegeen maamulka gobolkaasi in ay la socdeen dhaqdhaqaaqa gaarigaasi tan iyo markii uu kasoo baxay Gudaha Soomaaliya.

Gaariga ayaa waxaa saarnaa Miinooyinka dhulka lagu Aaso, Qoryo, Bambooyin iyo Mindiyo Afeysan sidda ay xaqiijiyeen Saraakiisha ciidamada Ammaanka.

Booliska gobolkaasi ayaa sidoo kale xusay in gaariga ay saarnaayeen waxyaabo la doonaayay in la qarxiyo oo laga sameeyay Kiimiko.

Gaariga Qaraxa siday ayaa waxaa waday labo nin oo Kenyaan  ah oo mid ka mid ah lagu magacaabo Cabdimajiid Xasan, waxaana la sheegay in labaduna ay baxsadeen.

Booliska ayaa hadda wadda howlgallo ay ku baadi goobayaan ragaasi.

Maalmihii lasoo dhaafay Al-Shabaab ayaa xoojiyay weeraradda ay ka geysanayaan gudaha Kenya gaar ahaan gobolka Waqooyi Barri.

Muqdisho 17ka Feebaraayo 2018 Dowlada Federaalka ayaa Gudi dhawaan u xilsaartay sidii dalka dib loogu soo celin lahaa Soomaali ku dhibaateysan Dalka libya oo mudo sanado badan gacan ugu jiray Kooxaha loo yaqaano magafayaasha ee lacaga baada ah ka qaata Somalida Muhaajiriinta ee u tahriiba Dalalka Yurub

Safaarada Somalia ee libya iyo Xubno dhawaan gaaray dalkaas oo ay Dowlada u dirtay Xubnaha in ay soo ogaadaan Somalida dalkaa ku dhibaateeysan ayaa maanta waxaa lagu wadaa in muqdisho laga soo dejiyo Tobaneeyo dhalinyaro ah oo iyagu ogolaadeyn in dalka dib loogu soo celiyo.

Somaalida qaar ayaan la soo sheegaya In ay diideyn in dalka dib loogu soo celiyo kuwaas oo weli ku hanweyn in ay aadaan dhinacaa iyo Yurub.

Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub, Ambassador Ali Siciid Fiqi ayaa sheegay in Maalma kadib oo ay ku sugnayeen dalka Libya ay ku guuleysteen in ay dhalinyaradaas tahriibayaasha ah ay ku soo celiyaan Soomaaliya.

Mid ka mid ah Dhalinyaradaas ayaa ka dalabday dowladda Soomaaliya in ay sidoo kale soo badbaadiyaan Dhalinyaro kale oo weli ku dhibaateysan Libya sidoo kalena loo fuliyo balan qaadyo loo sameeyay.

Muqdisho 17ka Feebaraayo 2018 Ra’iisul asaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku amray Wasiirka amniga gudaha Maxamed Abukar Islow Ducaale inuu sida ugu dhaqsiyaha badan isku casilo.

Kheyre ayaa sheegay inuusan dooneyn in sidii horey u dhacdayba uu xilka ka qaado wasiirka, balse isaga lagu sharfayo inuu shaqada ka tago.

Waxaa la tilmaamay in Ducaale uusan wax jawaab ah ka bixin arrintaasi, balse uu kasoo fekeri doono.

Ducaale ayaa lagu haystaa in xilligii loo baahnaa aanu wax ka qaban ammaanka magaalada Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka.

Muqdisho 17ka Feebaraayo 2018 Safaarada Turkiga ee Somalia ayaa wada qorsho ay ku howlgalineyso qaar kamid ah ciidamadii ay dhawaan tababarka ugu soo xireen Saldhiga Militery ee ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho.

Safiirka Imaaraadka u fadhiya Somalia Ambassador Olgan Bekar, ayaa qorshahaan cusub la kaashanaaya Saraakiisha Turkida ee gacanta ku heysa Saldhiga.

Qorshaha Safiirka ayaa la sheegay inuu yahay in ciidamada Soomaalida ee tababarka loogu soo xiray Saldhiga lagu wareejiyo amniga Safaarada iyo Xarumaha kale oo ay maamusho Turkiga.

Qorshaha ayaa markiisa hore la xaqiijiyay inuu ahaa in dufcada koowaad lagu wareejiyo amniga Saldhiga, Safaarada iyo Isbitaalada ay maamulaan Turkida, hase ahaatee waxaa howshaasi dib u dhigay isku shaandheyn lagu sameynaayo ciidamada.

Dowlada Turkiga ayaa kaalmaha koowaad ugu jirta dowladaha garabtaagan Somalia, waxaana xusid mudan in dhammaan howlaha ay kawadaan Somalia ay maamulka u dhiibaan Soomaalida.

Dhinaca kale, qorshaha uu wado Ambassador Olgan Bekar, ayaa dib usoo celinkara mooraalka ciidamada dhawaan tababarka loogu soo xiray Saldhiga ee Soomaalida ah.

Ahlu-Sunna Waljamaca 17ka Feebaraayo 2018 Gudoomiyaha Guud ee Culimadda Ahlusuna Wal-Jamaaca ee ku biiray Maamulka Galmudug ayaa kulamo dhinaca Nabada iyo Amniga ah waxa uu la qaatay qaar ka mid ah Bulshada ku nool Gobolka Galgaduud. Maxamuud Sheekh Xasan Gudoomiyaha Guud ee Culimadda Ahlusuna ayaa waxa uu safar dhinaca dhulka ah ku tegay deegaanada Xanan-buure Bangeelle iyo Huure,isaga oo Bulshada deegaanada kala hadlay sidii deegaanada Maamulka Galmudug ka maqan dib loogu xurreyn lahaa.

Madaxa Warfaafinta Culimada Ahlusuna Muxudiin Cali Jimcaale( Jakuula) ayaa sheegay in Gudoomiyaha guud ee Culimada Ahlusuna uu Bulshada deegaanadaas kula dardaarmay ka Shaqeynta Nabada iyo Amniga.

Waxa uu sheegay in Bulshada Deegaanadii ay wefdigaan tageen ay isla garteen in siwadjir ah looga wada qeyb qaato sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada Gobolka Galgaduud oo ay weli Gacanta ku hayaan.

Maamulka Ahlusuna ee gobolada dhexe ee la midoobay Galmudug ayaa waxa uu mudo dhowr Sano ah dagaal la galay Al-Shabaab iyaga oo ka saaray deegaano badan oo Gobolka Galgaduud ka tirsan sida Dhuusa Mareeb iyo Guriceel.

WARARKA MAANTA 16ka Feebaraayo 2018 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa noqon doodna Raysal Wasaaraha soo socda? Maxuu qaban karaa Khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre oo ay beesha caalamka diiday inay xukuummadiisa siiso wax dhaqaallo ah muddo hal sanno ah ayagoo horay warbixino xaasaasi ah ka qoray Khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre oo shirkaddo shisheeye ah heshiisyo qarsoodi ah la soo galay si ay u dhacaan shidaalka iyo kheyraadka Illahau ku mannaystay Ummadda Soomaaliyeed?

Maxay tahay sababta ku kaliftay Taliye ku-xigeenkii Hay’adda Nabadsugidda Iyo Sirdoonak Qaranka (NSS/NISA) Cabdiqaadir Maxamud Nuur Jaamac inuu lacagtii mushaharka ciidanka Nabadsugidda oo dhan $ 1 milyan oo doolar asagoo la baxsanaaya in lagu qabto Garoonka Aadan Cabdulle oo uu rabay inuu ka dhoofo kadib markii uu warbaahinta u soo gudbiyey warqadii sirta ahayd ee Ethiopia loogu dhiibay Taliye Cabdikariim Qalbi-Dhagax?

Haddii ay mar caddaatay inay si xaqiiqo ah u fashilantay xukuummadda Khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre oo horay ay dhowr wasiir iyo taliyayaal iska-casileen shalayna lagu qabtay Garoonka Aadan Cabdulle Taliye ku-xigeenkii Hay’adda Nabadsugidda Iyo Sirdoonak Qaranka (NSS/NISA) Cabdiqaadir Maxamud Nuur Jaamac oo lacagtii mushaharka shaqaalaha nabadsugidda la baxsanaaya soo xaqiiqo ma ahan inuu si deg deg isku-casilaan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre oo xitaa muddo hal sanno ah laga weysanaa inuu dhiso Hay’adda La-Dagaalkan Musuqmaasuqa Iyo Guddigga Garsoorka Qaranka asagoo ka biyo-diidsanaa inay ku qabtaan musuqmaasuqii uu horay u soo galay iyo kan hadda asagoo weli Raysal Wasaare ah uu ka galaayo shacabka Soomaaliyeed Khaa’inul waddankan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre.

Waxay Ummadda Soomaaliyeed ka codsanaysaa labada aqal inay si deg deg ah u casilaan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre oo weliba asaga iyo khaa’inul waddanka kale sida Raysal Wasaarihii hore khaa’inul waddan Senator Cumar Cabdirashiid Iyo Wasiirkiisii khaa’inul waddan Mr. Cabdiraxmaan Cabdishakuur la soo wada taagaa Maxkamadda si loogu qaado dembiyada waa weyen ee ay ka galeen Ummadda Soomaaliyeed iyo qarankooda.

Myqdisho 16ka Feebaraayo 2018 Magaaladda Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in xabsi Guri la galiyay Siihaayaha Taliyaha Ciidamada Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac ka dib markii garoonka aadan Cadde lagu qabtay asigoo ka duulaayo islamarkaana wata Lacag gaareeysa ilaa iyo hal milyan oo doolar oo Cash ah

C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa waxaa uu Si KMG ah u hayaa Xilka Taliyaha Ciidamada Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Ee (NISA) ka markii la xilka laga qaaday C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo xilkaasi haayay

Wararka aynu helnay ayaa waxaa ay tibaaxayaan in Xabsi Guri la galiyay Taliye C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac waxaana la dul dhigay Ilaalo aad u fara badan, waxaana iminka lagu hayaa baaritaan dheer oo lagu ogaanaayo Halka ay ku socoto lacagtaas Cashka ah

lacagta Gaareeysa 1-Ka Milyan ee doolar ayaa waxaa la Tuhmayaa in ay tahay dhaqaallaha Ciidamada Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka kuwaasi oo aan mudo ah qaadan wax mushaar ah

WidhWidh Online ayaa xariiro dhowr ah l sameeysay Hogaanka Kalle Ee Nisa si ay wax badan uga ogaato Arintaani soo Cusboonaatay waxeeyna tani dhabarka Jabineeysaa Taageerada Reer galbeedku siiyaan Ciidamada Nisa

Warkaan Waxii kusoo Waan idinsoo Gudbi Doonaa Insha’allah

Hiiraan 16ka Feebaraayo 2018 Maamulka gobolka Hiiraan aya u digay dad  ay sheegeen in mararka qaar ay musuq maasuqaan Daawooyinka loogu talo galay Shacabka ku nool Gobolkaas.

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca Arrimaha Bulshada ee Maamulka gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cusmaan Cali  ayaa sheegay in Gobolka Hiiraan musuq maasuqa uu aad ugu soo kordhay waayadaan isla markaana dano gaar ah loo isticmaalayo daawadii loogu talo galay dadka Shacabka ah.

Wax uu sheegay in ciddii lagu arko  iyada oo musuq maasuqeysa Daawadaas,uu Maamulku ka qaadi doono tallaabo sharic ah lagana aqbali doonin.

Waxa uu ugu baaqay masuuliyiin kale ee Gobolka hiiraan iy Bulshada inteeda kale ay la socdaan dadka sameynay ama musuq maasuqaya Daawooyinka loogu talo galay Bulshada gobolka Hiiraan.

Hadalka Gudoomiye ku xigeenka dhinaca Arrimaha Bulshada ee Maamulka gobolka Hiiraan ayaa ku soo aadaya xili cabasho ay ka imaaneysay Shacabka qaar ee Gobolkaasi Hiiraan.

Muqdisho 16ka Feebaraayo 2018 Goobta lagu wareejinayay gaadiidkaan waxaa ku sugnaa Wasiiradda Caafimaadka iyo qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Danjireyaasha wadamada Turkiga iyo Qadar, iyaddoo sidoo kale mas’uuliyiinta ay dhagax dhigeen Masjid laga dhisayo gudaha Isbitalka Turkida ee Yarmeli.

Gaadiidka oo gaaraya ilaa 3 baabuurta gargaarka deg dega ah ee Ambulance, ayaa loogu talagalay qaar kamid ah xarumaha  bixiya adeegyada caafimaad sida hay’adda Amiin Ambulance iyo Isbitalka Turkiga ee Yerdmili, sida uu faah faahinayo C/Nuur Xaji Cali oo ku hadlayay magaca haay’adda Qadar Charity ee Soomaaliya.

Wasiirka caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur oo gaadiidkasi guddoonsiisyay hay’addihii loogu talagalay ayaa uga mahadcelisay Hay’adda  Qadar Charity isgarabtaageeda shacabka Soomaaliyeed.

Libya 16ka Feebaraayo 2018 Ugu yaraan Labaatan Caruur ah oo ka mid ah Dadka ku jira xeryaha qaxootiga Dalka Liibiya kana soo badbaaday Gacanta Tahriibiyeyaasha ayaa lagu wadaa in dhawaan lagu soo celiyo Dalkooda Hooyo ee Soomaaliya.

Maryam Yaasiin Xaaji Yuusuf oo ah Ergayga gaarka ah ee xukuumadda Soomaaliya u qaabbilsan xuquuqda Tahriibayaasha oo ka mid ah wafdi ay dowladda Federaalka u dirtay halkaasi oo safar ku tagay Liibiya iyo Tuniisiya ayaa sheegtay inuu haatan socdo dedaal ku aaddan sidii ay Dhallinyaradaasi dib ugu soo celin lahaayeen Dalkooda.

Maryan oo u warrantay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegtay inay jiraan caruur badan oo la kulmay dhibaatooyin kala duwan, kuwaas oo qaar ka mid ah ay haatan ku guuleysteen inay soo celiyaan dhawaan, halka inta hadhayna ay waqtiyada xiga soo deyn doonaan.

Ergeyga ayaa intaa raacisay in Tahriibayaasha Soomaaliyeed ee ku sugan Liibiya ay halkaasi ku haystaan tacaddiyo ba’an oo xagga nolosha iyo xorriyaddaba ah.

Maryan ayaa walaac xooggan ka muujisay dhibaatooyinka ba’an ee ay kooxaha magafayaashu u geystaan Dadka Tahriibaya , kuwaasoo intooda badan ku sugan meelo ayan Dowladda Liibiya gacanta ku hayn ama goobo qarsoodi ah iskana qariya laamaha ammaanka.

Carruurta haatan lagu wado in lagu soo celiyo Dalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Tahriibayaasha ayaa u sheegay wafdigan dowladda federaalka ka socda iyo saraakiisha hay’adda IOM in laga qaato lacago ka badan inta ay sheegtaan magafayaashu, balse aysan ciqaabta iyo haysashaduba lahayn waqti xaddidan.

Dadka Soomaaliyeed ee Tahriibta ku tegey Dalka Liibiya ayay ku qiyaastay Kumanaan Qof oo u badan Dhallinyaro, kuwaas oo loo geysto Jirdil Kufsi iyo ciqaabo kulul oo qaarkood ay u dhintaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddadii Sanadka ahayd ee ay jirtay ku dedaashay inay xabsiyada iyo goobaha kale ee lagu haystoba ay ka soo sii deyso Maxaabiis badan oo u xirnaa siyaabo kala duwan.

Naieobi 16ka Feebaraayo 2018 Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaa maalmahanba ka socday wada hadal u dhaxeeyay dowladda Itoobiya iyo sidoo kale jabhadda ONLF.

Wada hadalkaan ayaa lagu doonayay in lagu dhammeeyo khilaafka mudada soo socday ee labada dhinac ka dhaxeeya.

Shirkaan ayaa waxaa isugu yimid xubno ka tirsan ONLF, Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya Maxamed Cabdi Cumar, Saraakiil ka socota Dowladda Itoobiya iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda Kenya.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno magaalada Nairobi ayaa waxa ay sheegayaan in wadahadalka uu saameeyay xiisadaha siyaasadeed ee ka bilwoday dalka Itoobiya iyo waliba Is casilaada Ra’iisul Wasaarahii dalka Itoobiya.

Waxaa la sheegay inuu fashilmay wada hadalkii labada dhinac, xubnihii Itoobiya uga qeyb galayay shirkaasi ayaa dib ugu laabtay dalkooda, oo ay rabshado ka socdaan.

Afhayeenka Ururka ONLF C/qaadir Xasan Hirmooge oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay inuu hakad galay shirka, dhankoodana ay fursad u arkaan in xilligan Itoobiya ay ka bilowdaan rabshado.

“Wufuuda Itoobiya ka socotay qaarkood way baxeen, qaarkoodna way joogaan, wadankana rabshado ayaa ka bilowday, Ra’iisul Wasaarihii wuu is casilay, anaga fursad ayay inoo tahay rabshadahan.” Ayuu yiri Afhayeenka Ururka ONLF.

ONLF oo ah jabhad hubaysan ayaa waxa ay u dagaalamaan xuriyada deganada Ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya, waxaana ka xiran maxaabiis badan oo jabhadaasi ka tirsan.

Maraykanka 16ka Feebaraayo 2018 Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay iskuulka ay toogashada ka dhacday ee ku yaala magaalada Parkland ee gobolka Florida.

Dadkan oo watay shumacyo iyo waxyaabo kale oo ay ku muujinayaan siada ay ugu xunyihin dhibaatada halkaasi ka dhacday.

Dhanka kale maalin kadib markii weerar lagu qaaday meel iskuul ah oo ay ku dhinteen 17 qof, ayaa xisbiga dimoqoraadiga waxa ay dhaleeceyn usoo jeediyeen madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo afhayeenka Aqalka Congresska oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga Paul Ryan , waxayna ku eedeeyeen in ay ka gaabiyeen in ay laga wada hadlo sharciga xakamaynta hubka.

Madaxweyne Trump oo ka falceliyay toogashada dhacday ayaa sheegay in badqabka iskuulaadka iyo xaaladaha miyir-qabka dadka ay tahay muhiimadiisa koowaad.

Muqdisho 16ka Feebaraayo 2018 War goor dhaw aan ka helnay magaaladda Addis Ababa ayaa noo xaqiijiyay in xisbiga EPRDF ay u xuleen inuu noqdo raysal wasaaraha cusub Workneh Gebeyehu oo hadda ah wasiirka arrimaha dibadda.

Workneh Gebeyehu ayaa ka soo jeeda qoomiyadda Oromadda, waa 50 sanno jir, wuxuu ka tirsanyahay xisbiga Oromo People’s Democratic party iyo xisbiga EPRDF ee tallada dalka Ethiopia gacanta ku haya.

Waa markii ugu horaysay ee taariikhda dalka Ethiopia uu raysal wasaare ka noqdo nin ka soo jeeda qoomiyadda Oromadda oo sannadadii ugu danbeeyay wadday kacdoono ka dhan ah dawladda.

Waa Siyaasigii ugu da’ yara ee hogaamiye ka noqda Ethiopia, wuxuu wax ku bartay gudaha dalka Ethiopia isagoo shahdooyinka Cilmiga siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga ah ka qaatay jaamacadda Addis Ababa.

Maalinta berri ah ayaa baarlamaanka Federaalka Ethiopia u ballansanyahay inay ansixiyaan raysal wasaaraha cusub

Muqdsho 16ka Feebaraayo 2018 Kulankaan ay wada qaateen Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi iyo Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa waxay uga hadleen dastuurka iyo howlaha aqalka sare.

Kulanka oo saxaafadda dibad joog ay ka ahayd,ayaa markii uu soo gaba-gaboobay waxaa saxaafadda la hadlay habdhooraha Golaha Aqalka sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Kaafi Macalin Xasan, waxa uu sheegay in arrimaha dastuurka iyo furitaanka fadhiyada aqalka sare looga hadlay kulanka, iyaddoo Ergayga gaarka ee Q.M ee Soomaaliya ay tahay markii 3aad ee kulan uu la qaato Guddoonka Golaha Aqalka sare.

Dhinaca kale Xarunta Golaha Aqalka sare baarlamaanka federaalka Soomaaliya waxaa kulan ku lahaa xubnaha guddiga la socodka iyo dib u eegista laba gole baarlamaanka JFS, iyaddoo kulankaasi uu shir guddoominayay guddoomiyaha guddiga la socodka iyo dib u eegista laba gole mudane Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, waxaana laga doodayay oo qodob qodob loo dul istaagayay qabyo qoraalka dastuurka, kulankana waxaa ku sugnaa xubno ka socday dowlad goboleedyada oo xubno ka noqonaya guddiga sida warbaahinta uu u sheegay Sen, Xuseen Sheeq Maxamuud xoghayaha guud ee guddiga la socodka iyo dib u eegista laba gole baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

http://www.somaoilandgas.com/shareholders

WARARKA MAANTA 13ka Feebaraayo 2018 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub ee Dowladda Soomaaliya? Kadib hal sanno ay si cad u diiday inay beesha caalamka siiso wax dhaqaallo ah xukuummadda uu hoggaamiyo khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre oo horay u samay musuqumaasuq baahsan oo xitaa ay Hay’adda Qaramadda Midooway u-qaabilsan Soomaaliya Iyo Eritrea ay warbixino xaasaasi ah oo la xiriira musuqmaasuqa iyo xiriirka uu la leeyahay argagixisadda ku qoray warbixintooda? Marka soo maanta ma cada inay rag badan oo horay Taliyayaal sar-sare uga soo noqday Ururka Al-Shabaab inay yijiin taliyayaal sar-sare oo kamid ah hoggaamiyaasha laamaha amniga dalka?
Maamulka Galmudug 13ka Feebaraayo 2018
Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay xaalad qatar ah ku sugan yihiin kumanaan shacab iyo xoolo tira badan, kuwaas oo ku nool deegaano ka tirsan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Wasiir ku xigeenka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug Maxamed Nuur Diini ayaa sheegay hal ceel oo ku yaala Gaalkaco baadiyaheeda ay biyaha kawada cabi jirayn dadka ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug, balse xiisad ka taagneed gobalka ay sababtay in dadkii biyaha ka doonan jiray dhinaca Puntland ay sababtay in ay ku dhiiran waayaan.

Maraykanka 13ka Feebaraayo 2018 Wasiirka arimaha Debada Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad Oo Ku sugan dalka Maraykanka ayaa ka Hadlay markii Ugu horeeyey Kulan KU Dhex Maray dalka Itoobiya Isaga iyo Sacad Cali Shire, oo maamulka SNM ugu magcaaban arimaha dibadda

Muqdisho 13ka Feebaraayo 2018 Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhankiisa ka sheegay in maleeshiyada al-Shabaab ay si caadi ah uga arimiyaan dhowr deegaan oo maamul ahaan hoostaga Jubbaland, waxa uuna tilmaamay inuu jiro gaabis ka dhashay dhaqaale la’aan soo foodsaartay maamulkiisa.

Axmed Madoobe waxa uu tilmaamay in maleeshiyaadka ay dib usoo celiyeen Qaraxyada lagu aaso hareeraha waddooyinka iyo kuwa lagu dhajiyo baabuurta, isagoo sababta ku sheegay dhaqdhaqaaq la’aan heysata ciidamada maamulka oo aan iminka heysan dhaqaale ku filan.

Labada Hogaamiye waxa ay si wada jira dowlada Federaalka gaar ahaan Madaxweynaha dalka ugu baaqen fulinta 2 arrin oo kala ah:

1-In dowlada Somalia ay dhaqaale ku bixiso ciidamada maamulka ee la qorsheynaayo inay Shabaab ka saran deegaanada maamulka.

2-In dowlada Somalia ay ka shaqeysiiso ciidamada isku dhafka si ay cagta u mariyaan dhammaan Shabaabka ku sugan deegaanada ay ka kala arimiyaan Puntland iyo Jubbaland.

Sidoo kale, waxa ay labada mas’uul ku eedeeyen dowlada Federaalka inay indhaha ka heysato waxyaabaha ka socda deegaanada maamulka.

Haddalka iyo soo jeedinta labada Hogaamiye maamul Goboleed ayaa kusoo beegmaaya xili maleeshiyaadka al-Shabaab ay kordhiyeen weerarada ay ka geysanayaan deegaanada maamulada Puntland iyo Jubbaland

Koonfur Afrika 13ka Feebaraayo 2018 Madaxwaynaha dalka Koonfur Afrika Jacob zum