Wararka

WARARKA MAANTA Abriil 16, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub ee #Soomaaliya Denjire Jamaac Madaxweyne ama Dr.Badal Kaariye? Maxuuse Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh u rabaa inuu beddelo Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre “Middeeye”? Maxaase loo sameyn waayey #Maxkammadda Dasruurigam #Maqaamka #Muqdisho Iyo #Lacag shilin #Soomaali? Yaa lagu beddeli doonaa Xeer Ilaaliyaha Guud ee #Soomaaliya? Yaa noqon doona Taliyah cusub ee Hay’adda Nabad-Sugida? Yaa koox kooxaysi bilaabay?

Ha Wiqleyso! 

Minneapolis Abriil 16, 2025 Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macalin, oo maanta lasoo wareegay maxaabiistii dagaalka ee Somaliland ayaa faahfaahin ka bixiyey qorshaha dowladda federaalka ee kala wareejinta maxaabiista dagaalka ee Somaliland iyo SSC-Khaatumo.

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in SSC-Khaatumo aanay wax shuruud ah ku xirin maxaabiista ay soo deysay, waxayna SSC ugu baaqday Somaliland inay ku dayso oo iyaguna xoriyad helaan Maxaabiista uga xiran Hargeysa.

Wasiirka oo wareysi siiyay Warbaahinta Qaranka, ayaa faahfaahin ka bixiyay xaaladda maxaabiista ay Dowladda Soomaaliya kala soo wareegtay Maamulka SSC, kuwaas oo gaaraya 25 qof.

Sidoo kale, Xasan Macalin, ayaa sheegay in maxaabiista kale ee weli xiran ay booqdeen, isla markaana ay soo arkeen xaaladda ay ku sugan yihiin, “waxaan soo aragnay ciidan iyo saraakiil dagaal lagu qabtay,” ayuu yiri.

“Maxaabiista sida loola dhaqmo ayaan xog fiican ka soo helnay, saraakiisha xabsiga gacanta ku heysa iyo maxaabiistaba waan soo wareysanay, xuquuqda ay helaan waa fiicneed waxay noo sheegeen in xoriyadda kaliya ay ka maqan tahay,” ayuu yiri wasiir Xasan.

Sidoo kale, wasiirka cadaaladda ayaa sheegay in loo soo xulay saraakiishii iyo xubnihii ugu muhiimsanaa ee maxaabiista, “waxay noo sheegeen in raggii dagaalka geliyey ay xalka ka sugayaan.”

“Waxaan maxaabiista ka dhagaysanay warbixintii ay naga siiyeen xaaladooda, waxay ahaayeen dad dhogor qurxoon, waxay noo sheegeen in colaad nasiib darro ah ay dhex martay dadkaan ehelkooda ah ee ay u xiran yihiin,” ayuu yiri.

Maxaabiista ayaa galabta laga soo dejiyey Muqdisho, waxaana la geeyey goob ay ku nastaan, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in maxaabiistaan ay qoysaskooda ku wareejineyso.

Minneapolis Abriil 16, 2025Booliiska Sweden ayaa Talaadadii sheegay in laba nin lagu dilay toogasho habeen hore ka dhacday magaalada labaad ee dalka ee Gothenburg. Warbaahinta gudaha ayaa ku warramay in weerarkan lala xiriirinayo dagaallo u dhexeeya kooxo burcad ah.

Booliisku waxay sheegeen in ay heleen warbixin ku saabsan toogasho dhacday wax yar kahor saqdii dhexe ee habeenkii Isniinta.

“Markii ay booliisku gaareen goobta, waxay heleen labo nin oo da’doodu u dhaxayso 20 ilaa 25 sano kuwaasoo dhaawacyo ka soo gaareen rasaas. Waxaa loola cararay isbitaalka, balse way u dhinteen dhaawacyadii,” ayaa lagu yiri bayaan rasmi ah oo kasoo baxay booliiska.

Baaritaan dil ah ayaa la furay, inkastoo booliisku sheegeen in aysan jirin cid loo qabtay dhacdadan ilaa iyo hadda.

Wargeyska Göteborgs-Posten ayaa qoray in weerarku uu suuragal tahay inuu la xiriiro aargoosi iyo colaado u dhexeeya kooxo burcad ah oo horey u dagaallamay.

Sidoo kale, wakaaladda wararka ee TT ayaa sheegtay in ugu yaraan saddex toogasho iyo siddeed qarax laga soo sheegay magaalada Gothenburg tan iyo bilowgii sanadkan 2025.

Dalka Sweden ayaa sanadihii u dambeeyay wajahaya dhibaato xoogan oo la xiriirta kororka toogashooyinka iyo qaraxyada, kuwaasoo inta badan ka dhasha is-aargoosiga kooxaha dambiilayaasha ah ee iska soo horjeeda.

Inta badan falalka rabshadaha wata waxaa fuliya dhalinyaro da’doodu aad u yar tahay, gaar ahaan carruur ka hooseeya 15 sano — taasoo ah da’da mas’uuliyadda dambiyada ee dalka Sweden. Dhalinyaradan ayaa mararka qaar loo adeegsadaa dilal qandaraas ah sababo la xiriira in aysan si sharci ah dambiga ugu xisaabtamin.

Si kastaba ha ahaatee, dalka Sweden ayaa sannadkii 2024 wajahaya hoos u dhac ku yimid tirada dilalka.

Warbixin uu bishii Maarso soo saaray Golaha Qaranka ee Kahortagga Dembiyada (Brå) ayaa muujisay in sanadkii hore la diiwaan geliyey 92 kiis oo dil ah — taasoo 29 kiis ka yar tiradii sanadkii 2023.

Booliiska Sweden ayaa sidoo kale bishii Janaayo sheegay in tirada toogashooyinka ay hoos u dhaceen sanadkii 2024, markii labaad oo xiriir ah. Waxaa la diiwaan geliyey 296 toogasho — hoos u dhac dhan 20% marka loo barbardhigo sanadkii ka horreeyay.

Minneapolis Abriil 16, 2025 Isbahaysiyada amni ee sii kordhaya ee Soomaaliya la yeelaneyso dalal shisheeye ayaa lagu eedeeyay inay kicinayaan xasillooni-darro cusub oo ka taagan Geeska Afrika, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ka digeysa in isbeddelladan ay hurinayaan dagaallo wakiil ah, ayna carqaladeynayaan dadaallada nabadeed ee gobolka.

Warbixinta, oo Talaadadii lagu daabacay Georgetown Journal of International Affairs ee Mareykanka, waxaa si wadajir ah u qoray Dr. Mercy Fekadu Mulugeta iyo Leulseged Girma. Waxay si qoto dheer u falanqeynayaan is-afgaradyo amni oo aan caadi ahayn, kuwaasoo la xiriira dekedo, aqoonsi dowladeed, iyo joogitaanka ciidamo shisheeye. Qodobbadan, ayay warbixintu leedahay, waxay beddelayaan xuduudaha siyaasadeed ee gobolka, waxayna kordhinayaan khatarta dagaal caalami ah oo ka dhex dhaca waddamada gobolka.

Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay ciyaaryahan istiraatiiji ah oo doorkeeda cusub uu wax ka beddeli karo is-dheellitirnaanta awoodda ee gobolka.

Warbixintu waxay si gaar ah u tilmaantay heshiiskii is-afgarad ee dhex maray Itoobiya iyo Somaliland bishii Janaayo 2024. Heshiiskaas ayaa Itoobiya u ogolaanaya inay hesho 19 km oo xeeb ah, iyadoo beddelkeedana ay Somaliland heleeyso aqoonsi siyaasadeed. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hor timid arrintan, iyadoo sheegtay in Somaliland weli tahay qayb suveran ah oo ka mid ah dhulkeeda. 

Isbahaysiyo cusub oo lid ku ah Itoobiya  

Iyadoo falcelin ka bixineysa heshiiska Itoobiya iyo Somaliland, Soomaaliya waxay xoojisay xiriirkeeda milatari iyo diblomaasiyadeed ee ay la leedahay Masar iyo Eritrea – dalal si taariikhi ah ugu muransan Itoobiya.

Gaar ahaan, Masar ayaa sannadkan 2025 u dirtay Soomaaliya taageero ciidan, taasoo dhalisay walaac ah in taageeradaasi aysan si toos ah ugu wajahneyn la dagaalanka argagixisada, balse ay tahay mid lagaga hor tagayo saameynta Itoobiya ku leedahay biyaha Nile.

“Ka hortagga Al-Shabaab ma aha sababta dhabta ah ee ka dambeysa iskaashiga Soomaaliya iyo Masar; Masar waxay si istiraatiiji ah u doonaysaa inay Itoobiya kaga hor timaado qorshaheeda horumarinta webiga Nile,” ayaa lagu yiri warbixinta.

“Isbahaysiga cusub ee ay Soomaaliya samaynayso wuxuu ka tarjumayaa xurguf ballaaran oo ka taagan gobolka,” ayay tiri Dr. Mercy Fekadu Mulugeta, oo ah bare sare ka tirsan Jaamacadda Addis Ababa iyo agaasimaha Xarunta ARUA ee Daraasaadka Bulshooyinka Kadib Colaadaha. “Waxyaabaha u muuqda inay yihiin siyaasado amni qaran, dhab ahaantii waa xeelado istiraatiiji ah oo la xiriira kala aragti duwanaansho gobolka oo dhan ah.”

Inkasta oo Soomaaliya iyo Itoobiya ay bishii Diseembar 2024 ku galeen wadahadallo nabadeed oo uu Turkigu garwadeen ka yahay – loona yaqaan Heshiiska Ankara – warbixintu waxay sheegtay in heshiiskaasi uu ahaa mid aan daahfurneyn, islamarkaana ay jiraan qodobo muhiim ah oo aan weli xal laga gaarin. Waxaa ka mid ah su’aasha ah in ciidamada Itoobiya ay sii ahaan doonaan qayb ka mid ah Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Qoraayaashu waxay carrabka ku adkeeyeen in ficillada Soomaaliya aysan ku dhicin go’doon. Gudaha dalka waxaa ka taagan dood culus, iyadoo qaar ka mid ah madaxda federaalka ay ku eedeeyeen Masar in ay Soomaaliya u adeegsato sidii aalad ku jirta dagaalkeeda istiraatiijiga ah ee ay la wado Itoobiya.

“Masar waxay dooneysaa inay naga dhigto laacib yar oo loogu adeegsanayo dagaalkooda weyn,” ayuu yiri wasiir ka tirsan dowladda federaalka, sida lagu xusay warbixinta.

Warbixintu waxay dhacdooyinkan gelisay xudunta khilaafka taariikhiga ah ee biyaha. Masar waxay muddo dheer ku adkeysaneysay ilaalinta heshiisyadii gumeysiga ee biyaha Nile, kuwaasoo si buuxda u hareer marsan Itoobiya. Itoobiya, dhankeeda, waxay heshiisyadaas ku tilmaantay kuwo duugoobay, waxayna dhistay biyo-xireenka weyn ee GERD si ay u hanato mustaqbalka tamarta dalka.

Dhaq-dhaqaaqa Soomaaliya — si ula kac ah ama si aan toos ahayn — wuxuu muujinayaa sida ay dawladaha wabiga hoose ku yaal ay si isa soo taraysa ugu lug yeelanayaan khilaafka biyaha ee u dhexeeya Masar iyo Itoobiya.

Nabad ilaalin lagu milay dano siyaasadeed

Qoraayaashu waxay sidoo kale ka digeen in hawlgalada nabad ilaalinta gobolka, sida AUSSOM, ay noqdeen aalado ay dalalka saameynta leh u adeegsadaan danahooda siyaasadeed. Soomaaliya ayaa horey uga hor timid ka qaybgalka ciidamada Itoobiya ee AUSSOM, iyadoo ku dooday in ay jirto iskahorimaad danaha Itoobiya ee Somaliland la xiriira.

“Hawlgalada nabad ilaalinta waxaa si xad dhaaf ah ugu adeegsanaya dowlado doonaya inay gaaraan yoolal istiraatiiji ah oo siyaasadeed,” ayuu yiri Leulseged Girma, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo ku takhasusay Geeska Afrika iyo mid ka mid ah qorayaasha warbixinta. “Arrintaasi waxay dhaawac u geysaneysaa xasilloonida Soomaaliya iyo kalsoonida nidaamka nabad ilaalinta caalamiga ah.”

Warbixintu waxay sheegtay in haddii Itoobiya si rasmi ah u aqoonsato Somaliland, tallaabadaasi ay yeelan doonto cawaaqib fog oo ka baxsan Muqdisho oo kaliya. Waxay abuuri kartaa xiisado cusub, dhiirrigelin kartaa dhaqdhaqaaqyo gooni-u-goosad ah oo kale, isla markaana beddeli kartaa isbahaysiyada marin-biyoodka Badda Cas.

Somaliland, oo ku dhawaaqday madax-bannaani 1991, wali ma helin aqoonsi caalami ah. Warbixintu waxay ugu baaqday Midowga Afrika iyo hay’adaha caalamiga ah inay dib u eegaan Warbixintii 2005 ee Guddiga Xaqiiqo Raadinta, ayna horumariyaan hab-raacyo caddaan ah oo lagu maareynayo xaaladda sharci iyo siyaasadeed ee dhulalka aan la aqoonsan.

Warbixintu waxay xustay in Soomaaliya ay xiriir diblomaasiyadeed ka raadineyso meelo ka baxsan saaxiibbadeedii hore. Waxaa si gaar ah loo tilmaamay in Muqdisho ay dooneyso iskaashi cusub oo ay la yeelato dalal ay ka mid yihiin Turkiga, Azerbaijan, iyo Tansaaniya – taasoo muujinaysa dadaal ay ku raadineyso taageero ay ka hesho xulafayaal cusub oo caalami ah.

Isla markaana, Geeska Afrika wuxuu noqday meel ay ku sii qulqulayaan quwadaha waaweyn. Dalalka sida Imaaraadka, Shiinaha, Ruushka iyo Turkiga ayaa si isa soo taraysa u ballaarinaya joogitaankooda gobolka iyagoo dhisaya dekedo, mashaariic horumarineed, iyo saldhigyo ciidan — taasoo sii adkaynaysa xal u helista khilaafaadka gudaha iyo kuwa gobolka.

Si looga hortago xiisadaha sii kordhaya, warbixintu waxay ugu baaqday BRICS, Midowga Afrika, iyo IGAD inay si degdeg ah u dhexgalaan. Waxay sidoo kale ku baaqday in si dhaqso ah loo dhexdhexaadiyo Masar iyo Itoobiya khilaafkooda biyaha Nile, iyo in la xoojiyo kormeerka iyo isla xisaabtanka hawlgalada nabad ilaalinta.

“Ahmiyadda istiraatiijiga ah ee Soomaaliya lama dafiri karo,” ayaa lagu soo gunaanaday warbixinta. “Laakiin haddii aysan jirin dadaal diblomaasiyadeed oo mideysan oo ka yimaada dalalka gobolka iyo kuwa caalamka, Soomaaliya waxay halis ugu jirtaa inay noqoto goob lagu hardamo oo colaado wakiil ah lagu furo – taasoo halis gelin karta xasilloonida guud ee Geeska Afrika.”

Miaraykanka Abriil 16, 2025 Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka, Danjire Daahir Xasan Carab, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Soomaaliya ay hadda furan tahay, islamarkaana diyaar u tahay sahaminta iyo qodista shidaalka, gaar ahaan deegaanada SSC-Khaatumo.

Danjiraha ayaa fursaddan muhiimka ah u bandhigay shirkadaha tamarta ee Mareykanka, isaga oo ku dhiirrigeliyay inay dib ugu soo laabtaan dalka si ay u sahamiyaan ceelasha shidaalka ee ka buuxa dhulka Soomaaliyeed.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa X (hore Twitter), ayuu Danjiruhu ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaaday tallaabooyin muhiim ah oo ka saaray caqabadihii sharciyeed iyo amni ee horay u hor istaagay howlaha shidaal-baarista.

“Waan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo in Soomaaliya si rasmi ah ugu furan tahay qodista shidaalka. Waxaan si xushmad leh ugu martiqaadayaa shirkadaha tamarta ee Mareykanka inay dib ugu soo laabtaan Soomaaliya si ay uga faa’iideystaan fursadahan muhiimka ah,” ayuu yiri Danjire Daahir.

Danjiruhu wuxuu sidoo kale xusay in xaaladda amni iyo siyaasadeed ee dalka ay si weyn u hagaagtay, gaar ahaan kadib markii dowladda Federaalka Soomaaliya ay si rasmi ah u aqoonsatay maamulka cusub ee SSC-Khaatumo inuu yahay xubin rasmi ah oo ka tirsan dowlad-goboleedyada dalka. Aqoonsigaas, ayuu sheegay, wuxuu sahli doonaa in dib loo bilaabo mashaariic horay hakad ugu jiray sababo la xiriiray muran siyaasadeed iyo khilaafaad sharci.

“Ka qaadista xaaladdii ‘force majeure’ waxay sahleysaa in si buuxda dib loogu bilaabo sahamin iyo qodis shidaal oo ka dhacda dooxada hodanka ku ah kheyraadka ee Nugaal Valley Basin,” ayuu raaciyay hadalkiisa.

Soomaaliya iyo fursadaha tamarta

Soomaaliya waxay leedahay dhul istaraatiiji ah oo xeebihiisu ka mid yihiin kuwa ugu dheer Afrika, kana hodan ah shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah.

Aagagga sida Nugaal, Dharoor, iyo Juba-Lamu basins ayaa lagu tilmaamaa inay yihiin qaar ka mid ah meelaha ugu khayraadka badan ee aan weli si buuxda loo sahamin. Inkastoo ay jiraan duruufo amni iyo kuwo siyaasadeed oo hakiyay horumarka sahanka, haddana waxaa jirta rajo xooggan oo laga qabo in Soomaaliya ay noqon karto mid ka mid ah suuqyada tamarta ee soo koraya ee Geeska Afrika.

Shirkado caalami ah sida, Turkish Petroleum, Coastline Exploration, Soma Oil & Gas, iyo Spectrum Geo ayaa horey ula saxiixday dowladda heshiisyo ku saabsan sahamin shidaal, inkastoo hawlahaasi hakad galeen. Dib u furitaanka rasmiga ah ee sahanka iyo dadaallada dowladda ee lagu sugayo xasilloonida sharci iyo amni ayaa la filayaa inay dib usoo celiyaan xiisaha maalgashadayaasha.

Safiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay iskaashi fog iyo xiriir istaraatiji ah oo ay la yeelato shirkadaha Mareykanka, isagoo ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in shirkadahaas ay hormuud u noqdaan kobaca dhaqaalaha Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka, inkastoo aysan si toos ah u maalgashan howlaha shidaal-baarista Soomaaliya, haddana waxay si dhow ula socotaa isbeddellada amni, dhaqaale, iyo siyaasadeed ee dalka. Washington ayaa sidoo kale ballanqaadday inay sii xoojin doonto taageerada ay siiso dowladda Federaalka ee ku aaddan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xoojinta dowladnimada.

Dhawaaqan kasoo baxay safiirka Soomaaliya ee Mareykanka wuxuu muujinayaa tallaabo istiraatiji ah oo lagu doonayo in dalka looga furo waddooyin horumarineed oo salka ku haya ka faa’iideysiga kheyraadka dabiiciga ah.

Waxaa la filayaa in hadalkan uu horseedi doono xiiseyn cusub oo ka timaadda shirkadaha tamarta ee caalamiga ah, taas oo haddii si wanaagsan loo wajahdo, wax ka tari karta kobaca dhaqaalaha, abuurista shaqooyin, iyo xoojinta madaxbannaanida dhaqaale ee Soomaaliya. 

Imaaraadka Abriil 16, 2025Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dowladda Imaaraadka Carabta ay nidaam raadaar oo casri ah geysay gobollada waqooyi-bari Soomaaliya, gaar ahaan Xarunta Taliska Ciidanka Badda Puntland oo ku teedsan Saldhigga Cirka ee Boosaaso, kaasoo uu Imaaraadku maamulo.

Nidaamkan la tilmaamayo waa Raadaarka ELM-2084 ee Israel samaysay, kaasoo ah qalab casri ah oo saddex-geesood (3D) ah, adeegsadana farsamada iskaanka elektaroonigga ah ee firfircoon (AESA), looguna talagalay hawlo badan sida dabagalka hawada iyo madaafiicda, iyo sidoo kale la socodka gantaalaha iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones).

Haddaba muxuu yahay qorshaha Imaaraadka?

Goobta istiraatiijiga ah ee Puntland ay kaga taallo meel u dhow Gacanka Cadmeed, oo ah marin ciriiri ah oo ay maraan maraakiibta caalamiga ah ee isticmaala Kanaalka Suweys, ayaa ka dhigaysa rakibidda raadaarkan mid si gaar ah muhiim u ah.

Gacanka Cadmeed waxaa mara qiyaastii 12 boqolkiiba ganacsiga adduunka iyo 30 boqolkiiba gaadiidka konteenarada, sida ay sheegtay Hay’adda Badaha Adduunka (IMO). Khataraha sida burcad-badeednimada, oo aafeysay gobolka dabayaaqadii 2000-meeyadii, iyo weerarradii dhowaanahan ee fallaagada Xuutiyiinta Yemen ay ku qaadeen maraakiibta Badda Cas, ayaa hoosta ka xarriiqaya sida uu aaggu u nugul yahay.

Imaaraadka Carabta, oo ah dhinac muhiim ah oo ka shaqeeya amniga gobolka, ayaa maamulayay Saldhigga Cirka ee Boosaaso tan iyo 2017, markii hore si ay u tababaraan ciidanka badda Puntland iyo la dagaallanka burcad-badeedda. Ku daridda raadaarka ELM-2084 waxay soo jeedinaysaa ujeeddo ama hawl ka ballaaran tii hore.

Waxaa laga yaabaa inuu xoojiyo dabagalka dhaqdhaqaaqa badaha iyo hawada, isagoo suurtagal ahaan la socon karo khataraha ka iman kara diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ama gantaalaha Xuutiyiinta, inkastoo inta uu gaaro aagga hawlgalka ee kooxdaas uu ka baxsan yahay masaafada raadaarku gaari karo isagoo Boosaaso yaalla.

Taas beddelkeeda, nidaamkan waxaa laga yaabaa inuu qayb ka noqon karo shabakad sirdoon oo ballaaran, isagoo la soconaya dhaqdhaqaaqa agabka ama ciidamada quwadaha xafiiltanka kala dhexeeyo – sida maraakiibta dagaalka, diyaaradaha, ama xitaa maraakiibta ganacsiga – ee marinkan muhiimka ah.

Geeska Afrika wuxuu noqday garoon loolan juquraafi-siyaasadeed, iyadoo Imaaraadka ay kula tartamayaan dalalka Turkiga, Qatar, Shiinaha, iyo kuwa Reer Galbeedka oo dhan oo ku loollamaya saamaynta gobolka.

Maalgashiyada Imaaraadka ee dekedaha sida Berbera ee Somaliland iyo joogitaankooda militari ee la soo sheegay ee Yemen ayaa ka tarjumaya istiraatiijiyad lagu doonayo in lagu sugo awoodda xakamaynta badaha.

Soomaaliya gudaheeda, Turkigu wuxuu yeeshay saldhigasho muuqata, isagoo ka shaqeeya saldhig militari oo Muqdisho ku yaal, kuna tababara ciidamada Soomaaliya. Dhanka kale, Qatar waxay xiriir la leedahay dhinacyo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo hoos u dhigaysa ama cakiraysa xiriirka Imaaraadka kala dhexeeya Muqdisho.

La-macaamilka Imaaraadka ee Puntland

Rakibidda raadaarka ee Puntland, halkii laga keeni lahaa dhulka Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa muujinaysa xiisadaha u dhexeeya maamul-goboleedka Puntland iyo Dowladda Dhexe ee Muqdisho. Puntland waxay muddo dheer raadinaysay awoodo madax-bannaani oo dheeraad ah, xiriirka tooska ah ee Imaaraadka la leeyahay hoggaanka Puntland ayaa laga yaabaa inay muujiso taageero aan toos ahayn oo loo hayo ismaamulkaas.

Dhaqdhaqaaqan wuxuu milicsinayaa dhacdooyin taariikhi ah oo soo maray gobolka, halkaas oo quwadaha shisheeye ay taageeri jireen kooxaha maxalliga ah si ay u horumariyaan danahooda gaarka ah, sida la arkayay xilligii Dagaalkii Qaboobaa markaasoo Maraykanka iyo Midowgii Soofiyeeti ay ku loollamayeen gacan ku haynta dekedaha Soomaaliya.

Doorashada raadaar ay samaysay Israel waxay sidoo kale leedahay macno dheeri ah. Imaaraadka iyo Israel waxay ku rasmiyeeyeen xiriirkooda Heshiisyadii Abraham ee 2020, taasoo kobcisay iskaashiga dhinacyada difaaca iyo farsamada. Rakibidda ELM-2084 waxay astaan u noqon kartaa iskaashigan, iyadoo muujinaysa helitaanka Imaaraadka ee nidaamyada farsamada sare ee Israel.

Maxalli ahaan, joogitaanka raadaarku wuxuu saamayn ku yeelan karaa xaaladda amniga ee Puntland. Gobolku wuxuu wajahayaa caqabado isdaba joog ah oo kaga imaanaya al-Shabaab, kooxda xiriirka la leh al-Qaacida ee ka firfircoon guud ahaan Soomaaliya, iyo farac yar balse sii xoogaysanaya oo ka tirsan ururka ISIS/Daacish.

Warbixinno dhowaan soo baxay, oo ay ku jirto baaritaan uu Washington Post sameeyay Febraayo 2025, ayaa lagu sheegay in ciidamada Puntland ay la dagaallamayaan maleeshiyaadka Daacish ee Buuraha Cal Miskaat, iyadoo in ka badan 150 dagaalyahan lagu dilay howlgal socday muddo bil ah. Raadaarka ELM-2084 wuxuu taageeri karaa dadaalladaas isagoo la socda weerarrada diyaaradaha drones-ka ama madaafiicda hoobiyaha, kuwaasoo labada kooxoodba ay adeegsadeen.

Si kastaba ha ahaatee, saldhigyada militariga shisheeye waxay inta badan kicin karaan gadood ama caro maxalli ah. Puntland, halkaasoo bulshooyinka kalluumaysatada ee ku nool biyaha xeebaha, hawlgallada Imaaraadka ee Boosaaso ay kiciyeen dibadbaxyo salka ku haya xannibaadda loo geystay helitaanka biyahaas, sida lagu xusay warbixin ay Kooxda Caalamiga ah ee Xasaradaha (ICG) soo saartay 2019. Rakibidda raadaarku waxay sii hurin kartaa xiisadahan, gaar ahaan haddii dadka deegaanku ay u arkaan inuu mudnaanta siinayo danaha shisheeye marka loo eego kuwa dadka deegaanka.

Dhaqaale ahaan, hawlaha Imaaraadka ee Puntland waxay ka ballaaran yihiin amniga. Shirkadda Imaaraadka ee DP World waxay maalgashi xoog leh ku samaysay dekedda Boosaaso, iyadoo higsanaysa inay ka dhigto xarun ganacsi oo gobolka ah.

Raadaarku wuxuu ilaalin karo maalgashiyadaas isagoo ka warqaba khataraha soo wajaha maraakiibta ama kaabayaasha dhaqaalaha, taasoo la jaanqaadaysa aragtida Imaaraadka ee ah isku-xirka awoodda militari iyo tan ganacsiga. Tani waxay la mid tahay tusaalooyin taariikheed, sida xukunkii Ingiriiska ee Cadan qarnigii 19-aad ee lagu sugayay waddooyinka ganacsiga ee Hindiya.

WARARKA MAANTA Abriil 15, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub ee #Soomaaliya Mr. Cabdiweli Gaas, Jamaac Madaxweyne ama Dr.Badal Kaariye? Maxuuse Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh u rabaa inuu beddelo Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre “Middeeye”? #Hambalyo #Dowladda #Soomaaliya oo si buuxda aqoonsi iyo wadashaqayn u siisay Dowlad Gobaleedka #SSCKhaatumoState! Ka nax oo nafta waa! Waxaa kale oo mahad iyo amaan mudan warbaahinta, bulshada rayidka, oday dhaqmeedka iyo bulshada caalamka oo muddo farabadan ka soo shaqaynaysay midnimada iyo wada-jirka Ummadda Soomaaliyeed! Aad Iyo aad ayuu u mahadsan yahay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Iyo Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre. Yaa diidi kara inay #Dowladda Soomaaliya horumar iyo shaqo wacan qabanayso! Ha Wiqleyso! 

Maraykanka Iyo Dalal Carbata ah Abriil 15, 2025 Talaabo muhiim ah oo lagu curyaaminayo kooxda argagixisada ee Al-Shabaab ayaa horseedday in cunaqabateyn lagu soo rogo 15 qof oo muhiim u ah shabakadaha maaliyadeed iyo howlgallada kooxda gudaha Soomaaliya.

Xarunta Bartilmaameedka Maalgelinta Argagixisada (TFTC), oo ah isbahaysi awood badan oo ka kooban toddobo waddan, ayaa ku dhawaaqday tallaabadan wadajirka ah, taasoo noqonaysa markii siddeedaad ee tallaabo noocaan ah la qaado, si loo ciriiriyo dhaqaalaha kooxda.

TFTC, oo la asaasay bishii Maajo 2017, ayaa isku keenta Maraykanka iyo dalalka xubnaha ka ah Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC), kuwaas oo kala ah: Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Cumaan, Kuwayt iyo Qadar. Ujeeddada isbahaysigan ayaa ah inuu hakiyo maalgelinta argagixisada, isagoo adeegsanaya cunaqabateyn bartilmaameed ah, wadaagga xogta sirdoonka iyo kobcinta awoodaha.

War-saxaafadeed shalay kasoo baxay magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga ayaa lagu sheegay in shakhsiyaadka la bartilmaameedsaday ay si weyn ugu lug lahaayeen howlaha muhiimka u ah Al-Shabaab, sida ururinta qasabka ah ee dhaqaalaha iyo fidinta walxaha qarxa ee gacan-ku-samayska ah (IED).

“Olole naxariis darro ah oo Al-Shabaab ay ku hayso shacabka Soomaaliyeed, sida lacagaha qasabka ah ee laga qaado beeralayda iyo afduubka shacabka, ayaa wali wiiqaya xasilloonida guud ee gobolka,” ayay tiri Anna Morris, ku-simaha xoghayaha kaaliyaha arrimaha maal-gelinta argagixisada ee Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka.

“Tallaabada adag ee maanta ay qaadday TFTC waxaa loogu talagalay in lagu jaro xiriirka Al-Shabaab ay la leedahay nidaamyada dhaqaalaha ee gobolka iyo kuwa caalamiga ah, kuwaas oo ay ku tiirsan tahay si ay u maalgeliso rabshadaha, u qorshayso weerarrada, una joogteyso howlgalladeeda.”

Morris ayaa sidoo kale adkeysay waxtarka iskaashiga caalamiga ah, iyadoo sheegtay in “dalalka xubnaha ka ah TFTC ay muujiyeen inay wax badan qaban karaan marka ay si wadajir ah uga hortagaan khataraha ay kooxahani ku hayaan nidaamka dhaqaalaha caalamka. Waxaan sii wadeynaa cadaadiska xooggan ee lagu hayo kooxaha argagixisada iyo shabakadaha dhaqaalahooda.”

15-ka qof ee la bartilmaameedsaday ayaa ka howlgala gobollada Shabeellaha Hoose, Jubada Hoose, iyo Jubada Dhexe ee Soomaaliya, iyagoo door muhiim ah ka haya qaab-dhismeedka maaliyadeed iyo howlgal ee kooxda. Howlahooda waxaa kamid ah:

  • Ururinta qasabka ah: Lacago si sharci-darro ah qasab looga qaado shacabka, xoolaha nool ee lagu tilmaamo “tabarucaad,” iyo lacagaha lagu soo rogo ganacsiyada gudaha.
  • Cabsigelin iyo maamulid: Adeegsiga ciidanka Hisbah oo ah booliis sharci-darro ah oo kooxda Al-Shabaab leedahay, kaas oo shacabka lagu khasbo inay bixiyaan dhaqaalaha.
  • Afduubid: Qafaalashada shacabka si madax-furasho loo qaato iyo ujeeddooyin kale.
  • Taageeridda walxaha qarxa (IED): Fududeynta sameynta iyo adeegsiga walxaha qarxa ee gacan-ku-samayska ah.
  • Hoggaaminta howlgallada: Qorshaynta iyo fulinta weerarrada ka dhanka ah ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika, iyadoo loo adeegsanayo gaadiidka qarxa iyo hoobiyeyaasha.
  • Maamulka sirdoonka iyo dhaqaalaha: Kormeeridda howlaha sirdoonka iyo dhaqaalaha kooxda.
  • Faafinta fikirka kooxda: Ka-qayb qaadashada dadaallada lagu faafinayo fikirka kooxda Al-Shabaab.

Shakhsiyaadka ay bartilmaameedsatay TFTC ayaa kala ah:

  • Xasan Abshir Xuuroow (Xuuroow): Sarkaalka sirdoonka iyo dhaqaalaha ee Al-Shabaab; wuxuu hoggaaminayay ururinta tabarucaadka qasabka ah ee xoolaha nool ee Kismaayo.
  • Aadan Yuusuf Saciid Ibrahim (Ibrahim): Mas’uul ka ah ururinta lacagaha qasabka ah ee Shabeellaha Hoose; wuxuu khasab lacag uga qaadi jiray iibka xoolaha iyo ganacsiga suuqyada.
  • Muumin Dheere (Dheere): Ku-xigeenka amiirka Wayanta ee Jubada Hoose; wuxuu isku dubbariday weerarro aargoosi ah iyo kuwa qorshaysan oo loo adeegsanayay gaadiidka qarxa iyo hoobiyeyaasha, isagoo weerarray garoonka diyaaradaha ee Kismaayo.
  • Macalin Burhaan (Burhaan): Taliyaha Hisbah ee Al-Shabaab ee deegaanka Wayanta, Jubada Hoose; wuxuu caan ku ahaa xarigga iyo xiritaanka in ka badan 80 qof oo shacab ah.
  • Cali Axmed Xuseen (Xuseen): Amiirka Al-Shabaab ee Shabeellaha Hoose; wuxuu lacag ka qaadi jiray beelaha deegaanka, isagoo sidoo kale fududeeyay dhaqdhaqaaqa dagaalyahanada iyo hubka kooxda.
  • Maxamed Cali (Cali): Taliye ciidan oo Al-Shabaab ah, isagoo hoggaaminayay 100 dagaalyahan oo hoos taga Dheere.
  • Axmed Kabadhe (Kabadhe): Amiirka Jubbaland ee Al-Shabaab; wuxuu soo abaabulay weerarro ka dhan ah ciidamada ammaanka ee deegaanka, wuxuuna qorsheeyay weerarro loo adeegsanayo gaadiidka qarxa.
  • Siyaad Ayuuto (Ayuuto): Taliyaha Hisbah ee Al-Shabaab ee Jubada Hoose; wuxuu horey u ahaa taliyaha Beer Xaani iyo amiirka howlgallada Kismaayo.
  • Xasan Yariisoow Aadan (Aadan): Taliye sare oo Al-Shabaab ah; wuxuu lacag ka qaadi jiray dadka deegaanka ee Shabeellaha Hoose si uu u maalgeliyo kooxda.
  • Siciid Cabdullaahi Aadan (Aadan): Khabiir Al-Shabaab u qaabilsan walxaha qarxa; sidoo kale wuxuu lacago qasab uga qaadi jiray shacabka deegaanka.
  • Maxamed Cabdullaahi Xirey (Xirey): Guddoomiyaha Al-Shabaab ee Jubada; wuxuu ka qayb qaadan jiray baahinta dacaayadaha kooxda.
  • Cabdi Roobow (Roobow): Taliye dhexe oo ka tirsan Al-Shabaab, kana hawlgala deegaanka Wayanta ee Jubada Hoose; wuxuu qorsheeyay weerarro isagoo la shaqeynayay Dheere.
  • Sheekh Aadan Abuukar Malayle (Malayle): Hoggaamiye Al-Shabaab ah; wuxuu mas’uul ka ahaa lacagaha khasabka ah ee Shabeellaha Hoose, oo loo adeegsan jiray hubka iyo sahayda kooxda.
  • Aadan Jiss (Jiss): Taliyaha Hisbah ee Al-Shabaab; wuxuu maamulayay xarun dadka lagu xiro oo hoos timaada maxkamadaha kooxda.
  • Cumar Guhaad: Taliye Al-Shabaab ee Shabeellaha Hoose; wuxuu amar ku bixiyay in beelaha deegaanka ay bixiyaan lacag badan oo ay kooxda ku taageeraan.

Muqdisho Abriil 15, 2025  Soomaaliya ayaa dardargelisay dadaalladeeda dibloomaasiyadeed ee gobolka bilihii ugu dambeeyay, iyadoo si gaar ah isbahaysi ula yeelanaysa dalalka Masar, Eritrea, iyo Jabuuti, si ay uga hortagto heshiiska dhanka badda ah ee dhex maray Itoobiya iyo Somaliland, heshiiskaas oo ay Muqdisho u aragto mid halis toos ah ku ah madax-bannaanideeda iyo siyaadadeeda, sida lagu xusay daraasad cusub oo ku saabsan siyaasadda gobolka oo ay daabacday hay’adda E-International Relations maalintii Axadda.

Warbixintan, oo uu diyaariyay Federico Donelli, professor cilmiga xiriirka caalamiga ah ee Jaamacadda Trieste, ayaa si qotodheer u lafo-guraysa sida Heshiiskii Is-afgaradka (MoU) ee sannadkii 2024 dhex maray Addis Ababa iyo Somaliland uu u sii huriyay xiisadaha ka aloosan guud ahaan Geeska Afrika.

Qodobada heshiiska waxaa ka mid ah in Itoobiya ay marin u hesho Badda Cas iyadoo adeegsanaysa dekedda Berbera, halkaasna ka dhisanaysa saldhig ciidan badeed. Taas beddelkeeda, waxay Itoobiya aqoonsanaysaa madax-bannaanida Somaliland – arrintaas oo ah natiijo ay Soomaaliya si buuxda u diiddan tahay.

“Soomaaliya waxay u aragtaa aqoonsi kasta oo sharciyeed oo la siiyo madax-bannaanida Somaliland inuu yahay khatar ku wajahan jiritaankeeda,” ayuu Donelli ku qoray daraasaddiisa. Xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilowday olole dibloomaasiyadeed oo ballaaran oo ay kaga jawaabayso heshiiskaas, iyadoo taageero ka raadisay hay’adaha qaaradda sida Midowga Afrika, Urur-goboleedka IGAD, iyo Bulshada Bariga Afrika, isla markaana abuurtay iskaashi dhaw oo ay la leedahay Masar, Eritrea, iyo Jabuuti.

Mid ka mid ah tallaabooyinkii ugu muhiimsanaa ee isbeddelkan xagga isbahaysiga ayaa yimid bishii Agoosto 2024, markaas oo Soomaaliya iyo Masar ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi oo dhanka difaaca ah. Heshiiskan wuxuu xoogga saarayay baaqii Soomaaliya ee ku aadanaa in la soo gebagebeeyo joogitaanka ciidamada nabad-ilaalinta Itoobiya ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUS-SOM). Wuxuu sidoo kale sii adkeeyay waxa uu Donelli ku tilmaamay “isbahaysiga ka soo horjeeda Itoobiya,” kaas oo salka ku haya cabashooyin gobolka ka jira oo is-biirsaday iyo loollan soo jireen ah.

Istaraatiijiyadda badeed ee Itoobiya, sida uu Donelli ku macneeyay, waxay qayb ka tahay qorshaheeda loo yaqaan “Istaraatiijiyadda Weyn ee Labada Biyood”— waana isbeddel siyaasadeed oo lagu doonayo in lagu ballaariyo saamaynta dalkaasi uu ku leeyahay Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Maadaama in ka badan 95% badeecadaha ay soo dejiso iyo kuwa ay dhoofiso ay maraan dalka Jabuuti, Itoobiya waxay ku bixisaa qiyaastii $2 bilyan sannadkii kharashka adeegsiga dekadahaas.

Sida ku xusan qodobada heshiiska Is-afgaradka (MoU), waxaa la rajeynayaa in Itoobiya ay 12% ilaa 15% ganacsigeeda u weeciso dhinaca dekedda Berbera, oo ay maamusho shirkadda Imaaraadka Carabta ee DP World tan iyo 2015. Beddelkeeda, Somaliland waxay Itoobiya siisay heshiis kiro ah oo soconaya 50 sano, kaas oo u oggolaanaya inay saldhig ciidan badeed ka samaysato deegaanka Lughaya. Tallaabadan ayaa soo noolaynaysa hamigii Itoobiya ee ahaa inay mar kale yeelato awood badeed, kaddib tobanaan sano oo ay ahayd dal aan bad lahayn.

Warbixinta Donelli waxay sidoo kale iftiiminaysaa sida heshiiska Is-afgaradku (MoU) uu u sii qotodheereeyay khilaafaadka iyo kala qaybsanaanta gobolka. Dalka Jabuuti wuxuu u arkaa horumarinta dekedda Berbera ee ay gacanta ku hayso shirkadda DP World inay tahay khatar ku ah awooddiisa ganacsi ee gobolka. Eritrea, oo hore xulafo ula ahayd Itoobiya xilligii dagaalkii Tigrayga, ayaa ka walaacsan damaca badeed ee cusub ee Itoobiya. Dhanka kale, Masar oo loollan dhanka biyaha ah uu kala dhexeeyo Itoobiya kaas oo ku saabsan Biya-xireenka Weyn ee Dib-u-curashada Itoobiya (GERD), ayaa uga faa’idaysatay xaaladdan inay ballaariso saamaynteeda Badda Cas, isla markaana ay loollan geliso awoodda sii kordhaysa ee Itoobiya.

Faragelinta dhinacyada ka baxsan gobolka ayaa sidoo kale xaaladda sii cakirtay. Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa taageersan heshiiska Is-afgaradka si ay u difaacdaan maalgashigooda. Turkiga ayaa xiriir la leh Itoobiya iyo Soomaaliya labadaba, inkastoo Ankara ay si rasmi ah ugu celcelisay inay ka go’an tahay midnimada Soomaaliya. Faransiiska ayaa kordhinaya joogitaankiisa militari ee Jabuuti, isagoo istaraatiijiyaddiisa ka soo weecinaya Galbeedka Afrika kuna sii jeedinaya gobolka Indo-Pacific. Dhanka kale, Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ka soo horjeedda heshiiskan, taas oo qayb ka ah loollanka kala dhexeeya Imaaraadka Carabta.

“Dhinacyada ka baxsan gobolka si toos ah uma kiciyaan colaadaha,” ayuu xusay Donelli, “laakiin joogitaankoodu wuxuu dhiirrigelinayaa dhinacyada maxalliga ah, kuwaas oo markaa dareemaya in jawiga siyaasadeed ee ku xeeran uu u saamaxayo inay qaadaan tallaabooyin aanay horey u qaadi karin.”

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa kala saxiixday Baaqa Ankara Diseembar 11, 2024, kaddib dadaal dhexdhexaadin ah oo uu Turkigu hormuud ka ahaa, kaas oo lagu doonayay in lagu dejiyo xiisadaha sii kordhayay. Heshiiskani kama dhigna in laga noqday Is-afgaradkii (MoU) ee Itoobiya iyo Somaliland, balse wuxuu muujinayaa in laga gudbayo heshiisyadii gaarka ahaa ee hal dhinaca ahaa, loona jihaystay dibloomaasiyad ku salaysan wada-hadal goboleed.

Tani waxay sii xoojinaysaa qodob muhiim ah oo ku jiray warbixinta Donelli: in dhinacyada caalamiga ah ee ka baxsan gobolka, sida Turkiga, ay hadda door muhiim ah ka ciyaarayaan qaabaynta jihada istaraatiijiyadeed ee Geeska Afrika – oo aan ku koobnayn oo keliya maalgashadayaal iyo iskaashi dhanka ammaanka ah, balse sidoo kale ay yihiin dhexdhexaadiyayaal.

Sida lagu sheegay war-murtiyeed wadajir ah oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Baaqa Ankara wuxuu dhidibbada u taagayaa qaab-dhismeed wada-xaajoodyo farsamo oo lagu gorfaynayo sidii Itoobiya loogu oggolaan lahaa inay si ganacsi ah u isticmaasho dekadaha Soomaaliya, iyadoo loo marayo is-afgarad labada dhinac ah iyo hannaanno sharciyeed oo lagu heshiiyo.

Wixii ka dambeeyay Baaqa Ankara, waxaa si tartiib tartiib ah u soo hagaagayay xiriirka dibloomaasiyadeed ee u dhexeeya Muqdisho iyo Addis Ababa. Horraantii sannadka 2025, Soomaaliya waxay oggolaatay codsi uga yimid Itoobiya oo ahaa inay ciidamo ku biiriso howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUS-SOM). Tallaabadan ayaa loo arkay inay tahay mid muujinaysa niyad-sami iyo bilow u noqon karta marxalad cusub oo soo afjarta xiriirkoodii hore u cakirnaa.

Maraykanka  Abriil 15, 2025 Maamulka Trump ayaa ka fakaraya inuu albaabada u laabo illaa 36 xarumood oo diblomaasiyadeed oo Mareykanku ku leeyahay caalamka oo dhan, taasoo qayb ka ah qorshe ballaaran oo lagu dhimayo ku dhawaad kala-bar miisaaniyadda Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Hay’adda USAID, sida ay sheegeen saraakiil arrintan xog-ogaal u ah.

Yaraynta weyn ee joogitaanka diblomaasiyadeed ee Mareykanka ayaa lala kaashanayaa soo-jeedin lagu dhimayo miisaaniyadda guud ee labada hay’adood oo la gaarsiinayo $28.4 bilyan sanadka maaliyadeed ee 2026, taas oo si weyn uga yar $54.4 bilyan ee ansixinta loo sameeyay sanadka maaliyadeed ee 2025.

Xarumaha suuragalka ah in la xiro waxaa ka mid ah safaaradaha Mareykanka ee Koonfurta Afrika iyo gobolka Sahel, qunsuliyado ku yaalla Yurub, iyo safaarado dhowr ah oo ku yaal Oceania. Arrintan ayaa si toos ah uga dhalatay siyaasadda maamulka Trump ee ah in la dhimo kharashyada dowladda isla markaana dib loo qaabeeyo siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka.

Qorshaha miisaaniyadda ee sanadka 2026, oo lagu faahfaahiyay dokumenti ay heshay POLITICO, ayaa muujinaya in ku dhawaad 50% la dhimayo miisaaniyadda Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo USAID. Arrintan ayaa ka mid ah dhimista uu dalbaday Xafiiska Maamulka iyo Miisaaniyadda Aqalka Cad (OMB), iyadoo sidoo kale la qorsheynayo in gebi ahaanba la burburiyo USAID, barnaamijyadeedana lagu daro Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Marka laga soo tago xiritaanka suuragalka ah ee xarumaha diblomaasiyadeed, qorshahan ayaa sidoo kale qeexaya in gebi ahaan ama qayb weyn la baabi’iyo barnaamijyo badan oo muhiim u ahaa siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka. Barnaamijyadan waxaa kamid ah kuwa dhiirrigeliya dimuqraadiyadda, taageera is-weydaarsiga waxbarashada iyo dhaqanka, taageera hay’adaha caalamiga ah, dagaalka ka dhanka ah daroogada, iyo xal u helidda arrimaha caafimaadka ee caalamiga ah.

Barnaamijyada sida gaarka ah loo bartilmaameedsaday waxaa kamid ah Sanduuqa Qaranka ee Dimoqraadiyadda (National Endowment for Democracy), Xarunta Bariga-Galbeedka (East-West Center), iyo Hay’adda Aasiya (Asia Foundation), kuwaas oo dhammaantood gebi ahaanba la joojin doono dhaqaalaha loo qoondeeyo. Sidoo kale, barnaamijka Caalamiga ah ee La-dagaallanka Maandooriyaha iyo Dhaqan-gelinta Sharciga (International Narcotics Control & Law Enforcement), oo horey loo siin jiray lacag ka badan $1 bilyan ayaa gebi ahaanba la joojin doonaa.

Dokumentiga ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday barnaamij cusub oo loogu magac daray Sanduuqa Fursadaha Mareykanka Koowaad (America First Opportunities Fund), kaas oo loo qoondeeyay $2.1 bilyan, inkastoo aan dokumentigu faahfaahin ujeedkiisa.

Waxaa jira suurtagalnimo ah in Xoghayaha Arrimaha Dibedda Marco Rubio uu diido qaar ka mid ah dhimista la soo jeediyay, inkasta oo cadaadis xooggan kaga iman doono OMB.

Afhayeenada Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa ka gaabsaday inay jawaab degdeg ah ka bixiyaan arrintan markii lala xiriiray. Si kastaba ha ahaatee, Rachel Cauley oo ah afhayeenka OMB ayaa sheegtay in “aan wali la gaarin go’aammo kama dambeys ah oo ku saabsan maalgelinta.”

Wargeyska Washington Post ayaa horey uga warramay dokumenti sir ah oo qeexaya qaar ka mid ah dhimista la qorsheynayo.

Xitaa haddii soo-jeedimahan lagu daro qorshaha rasmi ah ee miisaaniyadda Madaxweyne Donald Trump ee sanadka maaliyadeed ee 2026, Kongareeska ayaa inta badan iska diida codsiyada Aqalka Cad, isagoo samaysta qorshayaashiisa gaarka ah ee kharash bixinta. Si kastaba ha ahaatee, qorshahan wuxuu muujinayaa sida maamulka Trump uu u doonayo inuu yareeyo xajmiga iyo kharashka dowladda. Horay ayaa loo arkay tallaabooyin lamid ah oo ay ka mid ahaayeen dhimis weyn oo lagu sameeyay kaalmada dibadda iyo burburinta wax-ku-oolka ah ee USAID, taasoo ay ka soo horjeesteen xubnaha Dimoqraadiga ee Kongareeska.

Dokumentiga ayaa sidoo kale muujinaya in maamulka Trump uu Kongareeska ka codsan doono inuu aqbalo ku dhawaad $20 bilyan oo lacag ah oo horey loo qoondeeyay balse aan la isticmaalin, taasoo dib loogu celinayo khasnadda dowladda. Dokumentigan ayaa ka duwan qorshaha kale oo OMB dhowaan soo bandhigi doono kaasoo ku saabsan dib u habaynta Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Waxaa sidoo kale qorshaha ku jira in in ka badan 50% laga dhimo kharashaadka barnaamijyada caafimaadka caalamiga ah, iyadoo guud ahaan la gaarsiinayo wax ka yar $5 bilyan. “Kaalmada horumarinta” ayaa gebi ahaanba la joojin doonaa, iyadoo horay u ahayd ku dhawaad $4 bilyan. Miisaaniyadda loogu talagalay socdaalka iyo qaxootiga ayaa kala-bar laga dhimayaa, waxaana la gaarsiin doonaa $1.5 bilyan oo keliya, taas oo loo isticmaali doono xaaladaha degdegga ah oo kaliya.

Waxa sidoo kale si weyn loo dhimayaa lacagta lagu bixiyo hay’adaha caalamiga ah, oo ay ku jiraan kuwa QM, iyadoo laga soo dhimi doono $1.5 bilyan, laguna koobi doono illaa $169 milyan oo keliya. Lacagaha loogu talagalay hawlgallada nabad ilaalinta caalamiga ah ayaa laga soo dhimi doonaa $1.2 bilyan ilaa eber.

Maraykanka  Abriil 15, 2025 Xildhibaan Ilhan Omar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay markale u tartamayso kursigeeda Aqalka Wakiillada, taasoo meesha ka saaraysa saadaasha ahayd inay u hanqal taagayso kursiga Senate-ka ee bannaan doona sanadka 2026.

“Xilli ay xuquuqdeenna weerar wajahayaan, waa lama huraan in aan si adag uga hortagno fowdada, musuq-maasuqa, iyo arxandarrada maamulka Trump,” ayay Omar ku sheegtay wareysi ay siisay Idaacadda Minnesota Public Radio.

“Innaga oo ku sugan Minnesota, waxaan ognahay in dadka abaabulan ay mar walba ka adkaan doonaan lacagta abaabulan. Ololaheena wuxuu diyaar u yahay in uu sii xoojiyo dadaalladii abaabul ee hore si aan u gaarno ka-qaybgal doorasho oo rikoor ah oo aan dib ugu soo celinno aqlabiyadda,” ayay raacisay.

Doorashadii ugu dambeysay ee degmada 5-aad ayay si sahlan ugu guuleysatay, iyadoo 50 dhibcood kaga adkaatay weriye Republican ah oo asal ahaan kasoo jeeda Ciraaq, Dalia al-Aqidi.

Omar ayaa hore loogu tiri jiray dadka la hadal hayay inay beddeli karaan Sen. Tina Smith oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga, taasoo bishii hore ku dhawaaqday inaysan markale u tartami doonin xilka Senate-ka.

Isla markiiba, ku xigeenka guddoomiyaha gobolka Minnesota, Peggy Flanagan, oo ah Dimoqraadi, ayaa shaacisay inay tartamayso, halka Omar iyo musharraxiin kale oo la filayay ay ka gaabsadeen in ay wax sheegaan.

Bishii Febraayo, Sen. Smith – oo markii hore xilka loogu magacaabay beddelkii Sen. Al Franken, kaasoo iscasilay kaddib eedo la xiriiray anshax xumo – ayaa sheegtay inay doonayso in ay waqti badan la qaadato qoyskeeda.

“Go’aankan mid siyaasadeysan ma ahan, waa mid shakhsi ah. Laakiin waan fahamsanahay in dalku maanta si ka badan sidii hore ugu baahan yahay hoggaan horusocod ah,” ayay tiri Smith.

Guddoomiyaha gobolka Minnesota, Tim Walz, ayaa sidoo kale sheegay in uusan tartami doonin, taasoo Peggy Flanagan ka dhigeysa musharraxa Dimoqraadiga ee ugu sumcadda dheer tartanka illaa iyo hadda.

“Waqtigan xaadirka ah, ma doonayo inaan saameyn ku yeesho tartanka,” ayuu yiri Walz bishii Febraayo. “Laakiin waan ogahay inaan leenahay dad karti leh oo diyaarsan,” ayuu raaciyay, isagoo tilmaamay in laga yaabo inuu u tartamo muddo-xileed saddexaad ee hogaaminta gobolka.

Haddii la doorto, Flanagan – oo ka tirsan qowmiyadda Ojibwe – waxay noqon doontaa senatorkii shanaad ee kasoo jeeda qowmiyadaha asaliga ah ee Mareykanka, iyo tii labaad ee xilka haya xilligan, iyadoo ay wehelinayso Senator-ka Jamhuuriga ah ee Oklahoma, Markwayne Mullin.

Dhinaca xisbiga Jamhuuriga, Adam Schwarze – oo horey uga tirsanaa ciidanka badda iyo ciiddanka gaarka ah ee Maraykanka – ayaa ku dhawaaqay inuu u tartamayo kursiga, isagoo ku tilmaamay “howshiisa ugu muhiimsan ee noloshiisa.”

Sidoo kale, ciyaaryahankii hore ee Sacramento Kings, Royce White, ayaa isaguna shaaciyay inuu mar kale is sharaxayo. White ayaa hore ugu guuldarreystay doorashadii hordhaca ahayd ee Senet-ka xisbiga Jamhuuriga sanadkii 2024.

Tartankan lagu beddelayo Sen. Smith ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee Senate-ka Minnesota ee kursi furan tan iyo 2006, markaasoo Gov. Mark Dayton uusan mar kale u tartamin, halkaasna ay Sen. Amy Klobuchar ku garaacday xildhibaan Mark Kennedy oo Jamhuuri ahaa, farqi dhan 19 dhibcood.

Sen. Al Franken ayaa si rasmi ah u taageeray musharraxnimada Flanagan.

Muqdisho Abriil 15, 2025  Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu soo bandhigtay Dowladda Mareykanka inay isticmaasho saddex ka mid ah dekedahaheeda ugu muhiimsan dhanka istiraatiijiyadda—Muqdisho, Kismaayo, iyo Berbera—tallaabadan oo qayb ka ah dadaal ballaaran oo lagu xoojinayo iskaashiga dhanka difaaca ee labada dal iyo sidii Washington looga leexin lahaa inay aqoonsato sheegashada madaxbannaanida Somaliland.

Cali Maxamed Cumar, wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, ayaa wareysi uu siiyay TRT World ku xaqiijiyay in dowladdiisu ay soo jeedisay in dib loo cusbooneysiiyo heshiis militari oo Mareykanka lala galay xilligii Dagaalkii Qaboobaa.

Heshiiskaas asalka ahaa, oo la saxiixay sannadkii 1980-kii xilligii Madaxweyne Jimmy Carter, ayaa ciidamada Mareykanka u oggolaanayay inay isticmaalaan dekado iyo garoomo diyaaradeed oo Soomaaliya ku yaalla, oo uu ku jiro saldhigga militariga ee Berbera.

“Waxaan hadda Mareykanka ka codsanay inay cusbooneysiiyaan heshiiska si ay weli u sii isticmaali karaan saddexdaas dekedood—haddii ay kuwa kalena u baahdaanna, way isticmaali karaan,” ayuu yiri Cumar. “Waa tallaabo istiraatiiji ah oo aan ugu soo dhowaaneyno Mareykanka, sababtoo ah Ameerika aad ayay muhiim ugu tahay dagaalka aan kula jirno al-Shabaab. Waxaan u baahanahay taageeradooda, haddana way na caawinayaan.”

Soo jeedintan ayaa timid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha ku saabsan Somaliland, jamhuuriyadda iskeed isku magacawday ee ku taalla waqooyi-galbeed Soomaaliya, taasoo si madax bannaan u shaqeyneysay tan iyo 1991-kii balse aan haysan aqoonsi caalami ah.

Warbaahinta Mareykanka ayaa dhowaan warisay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu warqad u diray Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, isagoo ka codsanaya in Mareykanku uu la wareego kormeerka dekadaha iyo garoomada diyaaradaha ee Berbera iyo Boosaaso, taasoo beddelkeeda uu Mareykanku ballanqaadayo inuusan aqoonsan doonin Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa soo baxay su’aalo ku saabsan suurta-galnimada hirgelinta soo jeedinta Soomaaliya. Dowladda federaalku hadda ma maamusho dekadda Berbera, oo ay maamusho Somaliland, sidoo kalena ma maamusho Kismaayo, oo ah xarunta dhaqaalaha ee maamul goboleedka ismaamulka ah ee Jubbaland. Labada dhulba waxay Muqdisho la leeyihiin xiriir xaddidan ama aan wanaagsanayn.

Ergeygii hore ee Gaarka ahaa ee Mareykanka u qaabilsanaa gobollada Saaxil iyo Harooyinka Waaweyn, ahna taageere weyn oo Somaliland ah, J. Peter Pham, oo xiriir dhow la leh Trump, ayaa dhaliilay soo jeedinta. Wuxuu xusay in Soomaaliya ay soo bandhigayso maamulka dekado aanay xukumin, isagoo tallaabadaas ku tilmaamay “aflagaaddo ku ah garaadka dadka Mareykanka.”

Isla wareysigaas uu siiyay TRT, Wasiir Cumar wuxuu ku nuux-nuuxsaday muhiimadda juquraafi-siyaasadeed ee ballaaran ee goobta istiraatiijiga ah ee ay Soomaaliya kaga taallo xeeb ahaan iyo doorkeeda ku aaddan istiraatiijiyadda amniga ee Mareykanka iyo xulafadiisa.

“Soomaaliya waxay leedahay xeebta ugu dheer Afrika,” ayuu yiri. “Xiriirka aan la leenahay Mareykanka aad ayuu u xooggan yahay. Waxay naga taageeraan la dagaallanka al-Shabaab ee koonfurta iyo Daacish ee waqooyiga.”

In kasta oo Washington aysan weli si rasmi ah uga jawaabin soo jeedinta ku saabsan dekedaha, haddana dowladda Soomaaliya waxay sii waddaa dadaalladeeda ku aaddan xoojinta madaxbannaanida qaranka, qotodheeraynta iskaashiga caalamiga ah, iyo ka hortagga wax kasta oo horumar diblomaasiyadeed ah oo sharciyad siin kara ololaha madaxbannaanida Somaliland.

WARARKA MAANTA Abriil 14, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: #Hambalyo #Dowladda #Soomaaliya oo si buuxda aqoonsi iyo wadashaqayn u siisay Dowlad Gobaleedka #SSCKhaatumoState! Ka nax oo nafta waa! Waxaa kale oo mahad iyo amaan mudan warbaahinta, bulshada rayidka, oday dhaqmeedka iyo bulshada caalamka oo muddo farabadan ka soo shaqaynaysay midnimada iyo wada-jirka Ummadda Soomaaliyeed! Aad Iyo aad ayuu u mahadsan yahay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Iyo Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre. Yaa diidi kara inay #Dowladda Soomaaliya horumar iyo shaqo wacan qabanayso! Ha Wiqleyso! 

Muqdisho Abriil 13, 2025 Isniin, April 14, 2025 (HOL) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maraykanka u soo bandhigtay in uu la wareego maamulka dekedaha Berbera, Muqdisho iyo Kismaayo, xilli ay dadaal ugu jirto sidii ay u hor istaagi lahayd aqoonsiga Somaliland.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar ‘Cali Balcad’, oo lagu wareystay barnaamijka One on One ee ka baxa warbaahinta TRT World, ayaa xaqiijiyay in ay Maraykanka u soo bandhigeen isticmaalka dekedahan.

Sida uu sheegay Wasiir Cali Balcad, dowladda Soomaaliya waxay Maraykanka ka codsatay in dib loo cusbooneysiiyo heshiis ay Soomaaliya iyo Maraykanku gaadheen 1980-meeyadii, kaas oo u ogolaanayay Washington in ay isticmaasho dekedahan iyo garoonka milatariga ee magaalada Berbera.

“Waxaan hadda ka codsanay Maraykanka in la cusboonaysiiyo heshiiskaas ku saabsan isticmaalka saddexda dekadood, haddii ay kuwo kale u baahdaan, way isticmaali karaan. Waa xeelad aan ku doonayno in aan ugu dhowaanno Maraykanka, sababtoo ah Maraykanku waa u muhiim dagaalka aan kula jirno Al-Shabaab, taageeradiisana aad ayaan ugu baahannahay, hadda na wuu na taageeraa,” ayuu yidhi Cali Balcad.

Warbaahinta Maraykanka ayaa dhowaan baahisay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu warqad u diray Madaxweyne Donald Trump, taas oo uu kaga codsaday in Washington ay la wareegto maamulka dekedaha iyo garoomada Berbera iyo Boosaaso, beddelkeedana aysan aanu aqoonsan Somaliland

Hase yeeshee marka laga yimaado yaboohda dowladda Soomaaliya ay u samaysay Maraykanka, gacanta kuma hayso maamulka dekedaha Berbera iyo Kismaayo ee uu Wasiir Cali Balcad xusay. Berbera waxay ku taallaa Somaliland oo 34 sano ka hor sheegtay inay ka go’day Soomaaliya, halka Kismaayo ay ku taallo Jubbaland, oo aan xidhiidh wanaagsan la lahayn dowladda dhexe.

Dowladda Maraykanka weli kamay jawaabin codsiga Soomaaliya, waxaana J. Peter Pham, oo ahaa ergaygii hore ee Maraykanka u qaabilsanaa arrimaha Afrika, isla markaana ka mid ah dadka aadka ugu dhow Trump, uu sheegay in Soomaaliya ay ku yaboohday dekedo ayna maamulin, taas oo uu ku tilmaamay arrin yasitaan ku ah caqliga dadka Maraykanka.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ‘Cirro’, oo wareysi siiyay The New York Times, ayaa Trump ku tilmaamay nin lala xaajoon karo oo leh maskax ganacsi, isaga oo sheegay in dib u doorashada Trump ay tahay fursaddii ugu weynayd ee Somaliland soo marta. Hadalkan ayaa loo fasirtay in Somaliland ay diyaar u tahay in ay Maraykanka siiso saldhig ciidan si ay uga hesho aqoonsi rasmi ah.

Muqdisho Abriil 13, 2025  Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kasoo jeeda gobollada Waqooyi (Somaliland) ayaa si adag uga hor yimid casuumaad uu madaxweyne Xasan Sheekh uu u fidiyay Madaxweynaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), si uu uga qayb galo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu qabanayo Muqdisho.

War-saxaafadeed ay maanta si wadajir ah u soo saareen 29 xildhibaan oo ka tirsan labada gole ee baarlamaanka federaalka, ayay ku sheegeen in hadalka Ra’iisul Wasaaraha uu yahay mid dhaawacaya hannaan-dhiska dowladeed, isla markaana sii hurinaya colaadda Gobolka Sool, xilli ay jiraan dadaallo nabadeed oo ay hormuud u yihiin beelaha deegaanka.

“Hadalka Ra’iisul Wasaaruhu, oo sida uu sheegay uu la qabo madaxweynuhu, waa go’aan aan lahayn saldhig sharci, horseedina kara kala qaybsanaan siyaasadeed iyo fowdo ku timaadda geeddi-socodka dhismaha dowladda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Xildhibaannada ayaa ku adkeystay in masiirka midnimada Soomaaliya uu leeyahay saldhig sharci iyo mid taariikhi ah, loona baahan yahay in la ilaaliyo. Waxay sheegeen in tallaabo kasta oo lid ku ah midnimada iyo wadajirka qaranka ay noqon doonto mid keeni karta xasilooni darro cusub.

“In dariiqa keli ah ee Soomaali midaysan, xasilloon oo is ogol lagu heli karaa ay tahay dib u ambaqaadidda wadahadalladii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland,” ayay yiraahdeen.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale si cad u sheegay in aanay aqbali doonin wax tixgelin ah oo la siiyo maamul sheeganaya in uu yahay dowlad-goboleed cusub, iyadoo aan la raacin hanaanka uu dhigayo Dastuurka KMG ah. Waxay xuseen in qodobka 49-aad iyo 48-aad ee Dastuurka ay si cad u tilmaamayaan in wax maamul cusub ah lagu dhisi karin qaab sharci darro ah.

“Hindise kasta oo degmo ama qaybo ka mid ah gobol loogu aqoonsanayo maamul Goboleed iyadoo aan la raacin dariiqa dastuurka, waxay tahay mid horseedi karta burbur dowladeed iyo kala daataan maamullo hore u dhisnaa,” ayay ku digeen.

Si gaar ah, waxay uga digeen Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxtooyada in ay si khaldan u turjumaan rajada midnimada Soomaaliya, iyagoo sheegay in haddii la iska indhatiray xaqiiqooyinka taariikhiga ah ee xanuunka leh, ay adkaan doonto in la helo fursado dhab ah oo nabadeed.

“Waxaanu diidan nahay in si khaldan oo dhantaali karta rajada midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed loo wajahayo arrimaha midnimo-doonka,” ayaa lagu xusay gebogebada bayaankooda.

Bayaan-kan ayaa imaanaya ayada oo maanta uu Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre uu si rasmi ah ugu dhawaaqay in Madaxweyne Firdhiye uu aqbalay casuumaaddii, islamarkaana uu ka qayb geli doono Shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

“Madaxweynaha SSC Khaatumo wuxuu madasha shirka fursad u heli doonaa inuu ka hadlo danaha iyo aragtida shacabka uu metelo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha, isagoo intaas ku daray in Dowladda Federaalka ay si buuxda u garab taagan tahay dadaallada maamulkaasi ku doonayo dhismaha rasmiga ah ee hay’adihiisa.

Xukuumadda Federaalka ayaa sidoo kale sheegtay in ay durba bilowday dhismaha xarumo maamulka u ah SSC Khaatumo, kuwaas oo qaar ka mid ah laga hirgelinayo magaalada Laascaanood.

Qudus Abriil 13, 2025 Milateriga Israel ayaa sheegay in gantaalo laga soo riday dalka Yemen Axaddii, balse ay rumeysan yihiin in dhexda laga qabtay, wax yar ka hor inta aysan kooxda Xuutiyiinta Yemen sheegan masuuliyadda weerarkaas.

“Kadib digniino dhawaan laga maqlay dhowr goobood oo Israel ah, dib-u-eegis kadib, waxaa la xaqiijiyay in hal gantaal laga soo riday Yemen,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay militariga Israel.

“Isku dayo lagu soo ridayay gantaalka ayaa la sameeyay, waxaana u muuqata in si guul leh loo bartilmaameedsaday,” ayaa lagu daray.

Weriyeyaasha AFP ee magaalada Qudus ayaa maqlay digniinta siren-ka, taasoo ay ku xigtay jug xoogan.

War kale oo milateriga Israel uu ku qoray luqadda Cibraaniga ayaa sheegay in “labada gantaal ee la tuhunsan yahay laga soo tuuray Yemen.” Booliiska Israel ayaa sheegay in sidoo kale dhowaqa digniinta lagu hawlgeliyay magaalada Tel Aviv.

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa markii dambe sheegtay masuuliyadda weerarka gantaalada.

Bayaan ay soo saareen, kooxda ayaa sheegtay inay fuliyeen “howlgal milatari oo ay ku weerareen laba gantaal riddo dheer… mid lagu beegsaday saldhigga Sdot Micha oo ku yaalla bariga magaalada Ashdod ee la haysto, halka midka kalena lagu beegsaday garoonka diyaaradaha Ben Gurion.”

Kooxda Xuutiyiinta, oo ay taageerto Iiraan, ayaa si joogto ah u weeraraysay Israel iyagoo adeegsanaya gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn tan iyo intii uu dagaalka Gaza ka qarxay bishii Oktoobar 2023, kadib weerarkii ay Hamas ku qaaday Israel.

Xuutiyiintu sidoo kale waxay weerarro la beegsadeen maraakiibta ganacsiga ee maraya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, iyagoo sheegay in ay u taagan yihiin garab istaagga shacabka reer Falastiin ee ku sugan Gaza.

Maraykanka Abriil 13, 2025 Madaxweynaha Mareykanka Donald J. Trump ayaa Axaddii soo saaray bayaan xooggan oo uu ku muujinayo taageerada Mareykanka ee Soomaaliya, isagoo uga digay Xuutiyiinta inay saldhig ka helaan dalka, sidoo kalena bogaadiyey duqeymo dhowaan lala beegsaday kooxda Daacish ee ku sugan Puntland.

Bayaanka, oo lagu daabacay barta Truth Social, ayaa sidoo kale u muuqda mid wiiqaya dadaalladii diblomaasiyadeed ee Somaliland ay ku doonaysay inay ku hesho aqoonsi rasmi ah oo Mareykanku siiyo.

“Waxaan garab taaganahay shacabka Soomaaliyeed, waa inaysan ogolaanin in Xuutiyiinta ay gudaha u galaan dalka (taas oo ay isku dayayaan!), si loo ciribtiro argagixisada loona gaarsiiyo dalka horumar iyo barwaaqo,” ayuu Trump ku yiri qoraalkiisa.

Hadalka Trump ayaa imaanaya iyadoo dhowaan Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, uu dib-u-doorashada Trump ku tilmaamay “fursaddii ugu weynayd” ee Somaliland ay ku heli karto aqoonsi caalami ah.

Cirro ayaa u sheegay The New York Times inuu rumeysan yahay in aragtida Trump ee ganacsiga ku dhisan ay noqon karto fure u ah in Mareykanku ugu dambayn aqoonsado jamhuuriyadda iskeed isu magacawday.

“Aniga iyo shacabka Somaliland waxaan si dhab ah u aaminsannahay in maskaxda ganacsi ee Madaxweyne Trump ay dhabbaha u xaari karto aqoonsigeenna,” ayuu yiri Cirro.

Si kastaba, taageerada cad ee Trump uu u muujiyey dowladda federaalka Soomaaliya, iyo sida uu Soomaaliya ugu tilmaamay xulafo istiraatiiji ah oo muhiim u ah la-dagaallanka argagixisada, ayaa si weyn u niyad-jabin karta rajooyinkii Somaliland.

Bayaanka Trump ayaa yimid kadib markii Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) uu xaqiijiyey in 1-dii Febraayo 2025 uu fuliyey duqeymo lala kaashaday dowladda federaalka Soomaaliya.

Duqeymahaasi ayaa lagu bartilmaameedsaday hoggaanka ISIS-Soomaaliya, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayay godad buuraley ah oo ku yaalla qiyaastii 50 mayl koonfur-bari kaga beegan magaalada Boosaaso.

AFRICOM ayaa sheegay in duqeymahaas lagu dilay ilaa 14 xubnood oo ka tirsanaa ISIS, kuwaas oo uu ka mid ahaa Axmed Maeleninine — qof muhiim ah oo ka tirsanaa kooxda, kana shaqeyn jiray qorista dagaalyahannada, maalgelinta, iyo qorsheynta weerarada ka baxsan gudaha Soomaaliya, oo ay ka mid ahaayeen dadaallo lagu gelinayay dagaalyahanno gudaha Mareykanka iyo qaaradda Yurub.

Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu meesha ka saaray caqabadihii xukuumaddii hore ee uu sheegay inay hor istaageen awoodda buuxda ee ciidamada Mareykanka.

“Waa waqtigii argagixisadu ay qarsan lahaayeen, balse ma waayi doonaan caddaalad. Ciidamadeenna — kuwa ugu awoodda badan ee dunidu aragtay — way heli doonaan, oo si degdeg ah cadaalad ugu fuliyaan,” ayuu yiri Trump.

“Waxaan meesha ka saaray xeerarkii khatarta lahaa ee Joe Biden, waxaana mar kale awood siiyay ciidamadeenna — sidaan horey ugu sameeyay dagaalkii aan la galay ISIS, oo aan saddex toddobaad gudahood ku burburinay xilligii General Daniel Caine, oo ah Taliyaha cusub ee Ciidamada Mareykanka.”

Haddaba, taageerada Trump uu siiyay Muqdisho waxa ay u muuqataa in ay albaabkii fursadda u xirtay Somaliland.

“Trump wuxuu Soomaaliya ku tilmaamay xulafo muhiim u ah Mareykanka oo ka shaqeynaysa la-dagaallanka argagixisada,” ayuu yiri falanqeeye goboleed. “Taasina waxa ay aad u yareyneysaa suurtagalnimada taageerada Mareykanka ee gooni-u-goosadka Somaliland — gaar ahaan xilli ammaanka gobolka uu aad u xasaasi yahay.”

Khaatumo State Abriil 13, 2025 Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo welu ku sugan magaalada Laascaanood ayaa xalay la kulmay waxgaradka, qaybaha bulshad iyo hoggaanka sar ee maamulka SSC-Khaatumo, isaga oo ku dhowaaqay go’aan la xiriira aqoonsiga maamulkaas curdunka ah.

Xamza oo jeediyay khudbad xasaasi ah ayaa marka hore ballan qaadan in bulshada SSC-Khaatiumo ay heli doonaan xuquuq lamid ah mid ah kuwa maamul-goboleedyada kale ee dalka ka jira, waxaa uunna kula dardaarmay madaxda maamulkaasi in ay maamulka curdinka ah ka saaaran Ku-meelgaarnimadda.

“Waxaa farxad iyo dareen kalgacayl ii sameeyay sida wadajirka ah ee aad u ilaaliseen midnimada iyo Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa nasiib wanaag ah in caawa Calanka Buluugga ah uu ka taagan yahay qeybo badan oo kamid ah gobollada waqooyi, waxaan joognaa xilligii ay dadka Soomaaliyeed ugu baahida badnaayeen nabad iyo midnimo, booqashada taariikhiga ah ee aan ku imid Laascaanood waa mid ka turjumasa adkaynta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed”, ayuu yiri Xamza.

Intaasi kadib waxa uu si rasmi ah ugu dhowaaqay aqoonsiga SSC-Khaatumo, isaga oo sheegay inuu yahay maamul jira oo kamid ah maamullada Soomaaliyeed, wuxuuna sidoo kale meesha ka saaran in lagu muransan yahay deegaannada maamulkaasi.

“DFS waxay si cad oo qoraal ah idinla qaadatay qaabkii aad wax u sameysateen si waafaqsan dastuurka KMG ah iyo xeerarka u degsan dalka’ ayuu mar kale yiri Xamza.

Waxaa kale oo uu yiri “Waxaan cod dheer ku sheegayaa in SSC ay tahay deegaan iyo maamul Soomaaliyeed oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, mana meel lagu mursan yahay”.

Dhanka kale, SSC-Khaatumo ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga qayb-galeyso shirka golaha wadatashiga qaranka ee dhowaan ka dhacaya magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu casuumay hoggaamiyahooda Cabdulqaadir Firdhiye oo isna aqbalay.

Casumaadda Madaxweynaha SSC Khaatumo waxaa si rasmi ah u shaaciyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo sheegay inuu imaanayo shirka Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xaqiijiyay in Madaxweyne Firdhiye uu aqbalay casuumaaddaasx isla markaana uu ka qeyb geli doono kulanka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaas oo ay ka qeyb-galayaan madax goboleedyada qaarkood, maadaama uu Xasan Sheekh ka reebay Madaxweynaha Jubbaland ka qeyb-galka kulankaan, halka Puntland ay is-hayaan hoggaanka Villada.

Xamza ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in dowladda federaalka Soomaaliya ay si buuxda u garab taagan tahay SSC Khaatumo, isla markaana ay aqoonsan tahay dadaallada ay wadaan si ay u helaan maamul rasmi ah oo matala shacabka deegaankaas.

Si kastaba, booqashada Xamza ayaa xusid mudan inay tahay tii ugu horreysay ee Ra’iisul Wasaare ka tirsan dowladda federaalka uu ku tago magaalada Laascaanood, waxayna wax badan ka beddashay xiriirka SSC-Khaatumo iyo dowladda dhexe.

WARARKA MAANTA Abriil 12, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa waalay Maamulka #Somaliland? Hambalyo Shacabka Iyo Dowlad #SSCKhaatumoState! Yaa kamid ah wefdiga Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre? Yaa noqon doona Madaxweynaha soo socda? Yaa kamid noqon doona golaha wasiiradda cusub? Yaa noqon doona Guddoomiyaha cusub ee Gobalka Banaadir? Yaa noqon doona Taliyaha Cusub ee Nabad-Sugida? Yaa noqon doona Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka #Soomaaliya? Yaa noqon doona Guddoomiyaha Maxkammadda Sare? Ha Wiqleyso! 

Antaliya Abriil 12, 2025  Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka dalka Masar Dr. Badr Abdel Aty ayaa fariin uu kasiday Madaxweynihiisa Cabdulfitaax Al Sisi gaarsiiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, xilli ay ka qeyb galayaan Madasha Diblomaasiyadeed ee Antalya.

Ugu horeyn, Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa u gudbiyay salaan uu uga siday Al sisi Madaxweynaha Soomaaliya isagoo u rajeeyay in la sii wado wada shaqeynta labada Dowladood ee dhinacyada amniga, xasilloonida, iyo nabad kuso dabaalida Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa xaqiijiyay in Masar ay si buuxda uga go’an tahay taageeridda midnimada iyo wadajirka dhulka Soomaaliyeed iyo hay’adaha qaranka, iyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Wuxuu caddeeyay in Masar ay Soomaaliya ka taageereyso ka hortagga argagixisada iyo xagjirnimada xilligan xasaasiga ah, isagoo carabka ku adkeeyay inay ka go’an tahay inay siiso nooc kasta oo taageero ah si loola dagaallamo argagixisada iyo sidii loo heli lahaa amni iyo xasillooni.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa ka codsaday in salaan uu ka gaarsiiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Masar, iyo mahadcelin ballaaran oo ku aaddan doorka taageerada ee Masar ay ku leedahay dalkiisa heerarkeeda kala duwan.

Addis Ababa Abriil 12, 2025  Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, ayaa magaalada Addis Ababa kulan rasmi ah kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Ukraine, Danjire Andrii Sybiha.

Kulankan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim ah oo taariikhi ah, maadaama lagu shaaciyay dib u soo celinta xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal.

Intii uu socday kulankaasi, labada mas’uul waxay saxiixeen heshiis rasmi ah oo ah hab-maamuus diblumaasiyadeed. Heshiiskaas ayaa u gogol xaaraya dib u bilaabashada xiriir rasmi ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Ukraine, kadib muddo xiriirkaasi hakad ku jiray.

Saxiixa hab-maamuuskan diblumaasiyadeed wuxuu muujinayaa rabitaanka labada dowladood ee ah in ay dib u dhisaan, isla markaana xoojiyaan xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee dhinacyada kala duwan. Waxay sidoo kale caddeeyeen sida ay uga go’an tahay in ay wada shaqeyn dhab ah yeeshaan.

Wada-hadalka labada wasiir ayaa si qoto dheer diiradda u saaray sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga laba geesoodka ah. Waxay si gaar ah uga wada hadleen fursadaha horumarineed ee labada dal u dhaxeeya, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo amniga.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa ku dheeraaday sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay in la yeesho xiriir diblumaasiyadeed oo miro dhal ah. Wuxuu xusay in xiriirka Ukraine uu muhiim u yahay siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, wasiirka Soomaaliya wuxuu bogaadiyay dadaalka Ukraine ay muujisay ee ku aaddan furitaanka bog cusub oo iskaashi iyo isfaham ku dhisan. Wuxuu intaas ku daray in arrintani ay tusaale u tahay sida dalalka caalamku u daneynayaan in ay la shaqeeyaan Soomaaliya.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ukraine ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay in uu si buuxda ula shaqeeyo Soomaaliya. Wuxuu carabka ku adkeeyay inay ixtiraamayaan madax-bannaanida, midnimada dhuleed, iyo qarannimada Soomaaliya.

Danjire Sybiha wuxuu tilmaamay in xiriirka cusub uu horseedi karo iskaashi dhaqaale, taageero farsamo, iyo wax wada qabsi dhinacyo badan leh. Wuxuu sidoo kale sheegay inay diyaar u yihiin in ay sahamiyaan fursado cusub oo ganacsi iyo horumarin ah oo ka dhex dhalan kara labada dal.

Kulanka labada wasiir ayaa sidoo kale lagu muujiyay sida xiriirka diblumaasiyadeed uu muhiim ugu yahay amniga iyo xasilloonida gobolka. Labada dhinac waxay isku raaceen in la sii wadayo kulamada iyo wada hadallada si loo xaqiijiyo horumar joogto ah.

Ugu dambayn, heshiiskan cusub wuxuu calaamad u yahay bilow cusub oo xiriir wanaagsan oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Ukraine, taasoo ka tarjumaysa danta guud iyo rabitaanka labada dal in ay noqdaan saaxiibo dhow oo si hufan u wada shaqeeya.

Maamulka Somaliland  Abriil 12, 2025 Somaliland ayaa markale si adag u cambaareysay safarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre uu ku tegayo magaalada Laascaanood oo haatan uu ka taliyo maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa safarka Ra’iisul Wasaare Xamza lagu tilmaamay mid halis amni oo weyn ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka, isla markaana si toos ah u dhaawacayaa madax-bannaanida Somaliland.

“Booqashadan aan waqtigeedu habboonayn waxay wiiqeysaa dadaallada socda ee lagu horumarinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka. Dowladda Somaliland waxay u aragtaa arrintan mid kacsan oo culus, waxayna si cad u sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay si buuxda uga masuul noqon doonto cawaaqib kasta oo ka dhasha xiisad iyo qalalaase amni,” ayaa lagu yiri bayaanka Somaliland.

Somaliland ayaa ugu baaqday Midowga Afrika, Urur-Goboleedka IGAD, Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta, iyo dhammaan saaxiibada caalamiga ah inay si cad u aqoonsadaan in ficillada mas’uuliyiinta Soomaaliya ay khatar toos ah ku yihiin nabadda iyo amniga gobolka.

Sidoo kale waxay ugu baaqday hay’adaha mas’uulka ka ah ee goboleed iyo caalami ah inay si dhaqso leh, oo wadajir ahna uga fal-celiyaan ficillada wiiqaya xasilloonida ee ka imanaya Soomaaliya, sida lagu yiri bayaanka.

Hoos ka aqriso bayaanka Somaliland

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay si adag oo aan mugdi ku jirin u cambaareyneysaa booqashada la qorsheeyay ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku tagayo magaalada Laascaanood.

Falkan kacsan wuxuu si toos ah u dhaawacayaa madax-bannaanida Somaliland wuxuuna halis weyn ku yahay nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Booqashadan aan waqtigeedu habboonayn waxay wiiqeysaa dadaallada socda ee lagu horumarinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka. Dowladda Somaliland waxay u aragtaa arrintan mid kacsan oo culus, waxayna si cad u sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay si buuxda uga masuul noqon doonto cawaaqib kasta oo ka dhasha xiisad iyo qalalaase amni.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay ugu baaqeysaa Midowga Afrika, Urur-Goboleedka IGAD, Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta, iyo dhammaan saaxiibada caalamiga ah inay si cad u aqoonsadaan in ficillada mas’uuliyiinta Soomaaliya ay khatar toos ah ku yihiin nabadda iyo amniga gobolka. Muddo tobannaan sano ah, Somaliland waxay dulqaad u muujisay falalka kicinta ah, iyadoo weligeed u taagnaatay tiir xasilloonida iyo awood dhisaysa nabadda gobolka.

Dowladda Somaliland waxay ugu baaqeysaa hay’adaha mas’uulka ka ah ee goboleed iyo caalami ah inay si dhaqso leh, si wadajir ahna uga fal-celiyaan ficillada wiiqaya xasilloonida ee ka imanaya Soomaaliya.

Haddii tallaabo deg-deg ah la qaadi waayo, waxa sii xoogeysan doona xaaladaha aan dawladnimadu gacanta ku hayn ee gobolka horey u nuglaa, taas oo sababi karta dhibaatooyin hor leh sida barakac, tahriib, musiibo bini’aadannimo, iyo khataro amni oo xuduud-dhaaf ah.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay mar kale caddaynaysaa inay ka go’an tahay nabadda, wada hadalka, iyo iskaashiga goboleed. Si kastaba ha ahaatee, waxay qaadi doontaa tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si ay u difaacdo madax-bannaanideeda iyo ammaankeeda haddii khatar la kulanto.

Jubbaland Abriil 12, 2025 Maamulka Jubbaland ayaa ku adkeystay in uusan ka leexan doonin mowqifkii hore ee ku saleysnaa madax-bannaanida maamulka, xilli ay soo baxayaan xogo hoose oo sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya uusan martiqaadin hoggaamiyaha Kismaayo.

Jubbaland ayaa muujisay shaki la xiriira kulanka uu Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ku casuumay madaxda maamul-goboleedyada, kaasi oo haatan aan lagu martiqaadin Axmed Madoobe.

Gogoshan ayaa markii hore la filayay inay qeyb ka noqoto dadaallo lagu xallinayo khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada, iyadoo beesha caalamka ay cadaadis ku saartay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu miiska iskugu keeno dhammaan hoggaamiyeyaasha maamullada. Balse, sida muuqata, Madaxweynaha ayaa taas ka dhagaha ka fureystay.

Maamulka ayaa caddeeyay in Jubbaland aanu ku shaqeyn doonin amarro uga yimaada Villa Somalia, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jubbaland, Cabdifataax Maxamed Mukhtaar.

“Jubbaland waxay go’aan mas’uuliyad ku dheehan tahay ku gaartay inay ka baxdo Madasha Wadatashiga 7-dii Oktoobar 2024,” ayuu yiri Wasiir Cabdifataax. “Madaxweyne Xasan haddii uu hilmaamay, waa in la xasuusiyo in Jubbaland aan laga maamulo Villa Somalia. Annaga ayaa masiirkeena ka talina,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hadalka Wasiirka ayaa imaanaya xilli gogosha Villa Somalia loo arko mid aan loo dhammeyn, halkii ay noqon lahayd mid lagu mideeyo mowqifyada siyaasadeed laguna xoojiyo wada-shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada. Si kastaba ha ahaatee, Jubbaland ayaa u muuqata mid aan kalsooni badan ku qabin ujeeddooyinka ka dambeeya gogoshan.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa horey u muujiyay inuu taageersan yahay in la isugu yimaado miis wada-hadal ah oo lagu xalliyo khilaafaadka jira. Wuxuu sheegay in loo baahan yahay wadajir siyaasadeed si looga hortago khataraha dalka horyaalla.

Axmed Madoobe ayaa dhowr jeer carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dhiso hannaan siyaasadeed oo hufan laguna dhiso kalsooni dhexmarta dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada. Wuxuu xusay in khilaafaadka siyaasadeed ay dib u dhac ku keenayaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Balse, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta casuumaad u diray madaxda dowlad-goboleedyada, iyadoo laga reebay Axmed Madoobe, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Tani waxay waafaqsan tahay xogtii ay Caasimada Online baahisay xalay, taasoo sheegaysay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu diiday inuu casuumo Axmed Madoobe.

Sida aan xogta ku helnay, Villa Somalia ayaa ku adkeysatay in la casuumayo oo kaliya madaxda sare ee Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada leh sharciyad dastuuri ah iyo awood go’aan-qaadasho. Waxay u aragtaa in Axmed Madoobe uusan haysan sharciyad.

Go’aanka lagu reebay Madoobe wuxuu ka tarjumayaa mowqifka Villa Somalia ee ah in muddo-xileedkiisu dhammaaday, taasoo sii adkeynaysa khilaafka ka taagan hab-dhismeedka federaalka ee dalka.

Inkasta oo khilaafaadka u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada aysan ahayn kuwo cusub, haddana waa markii ugu horreysay ee Madaxweyne federaal ah si rasmi ah uga reebo hoggaamiye dowlad-goboleed ka qeybgalka shir qaran oo heer sare ah.

Muqdisho Abriil 12, 2025  Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Rayidka ee Soomaaliya ayaa amar ku bixisay in si degdeg ah loo sameeyo kormeerro badbaado iyo dib-u-shahaado-siinta dhammaan diyaaradaha ka howlgala gudaha dalka, kaddib shilal duulimaadyo oo isdaba joog ah iyo walaacyo sii kordhaya oo la xiriira amniga hawada dalka.

Amarkan ayaa lagu shaaciyay kulan uu Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista, Maxamed Faarax Nuux, la yeeshay masuuliyiin ka tirsan waaxda duulista rayidka, kaas oo ka dhacay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Qaraarku wuxuu waajibinayaa in baaritaanno badbaado lagu sameeyo dhammaan diyaaradaha ku duulaya, kasoo degaya ama ka baxaya Soomaaliya. Inkasta oo aan la cayimin waqti kama dambeys ah, masuuliyiinta ayaa sheegay in baaritaannada si degdeg ah loo bilaabi doono

“Waa in la hubiyaa in diyaar kasta oo ka duuleysa ama kusoo degaysa Soomaaliya si buuxda loo baaray, loo diiwaangeliyay, lana hubiyay dayactirkeeda,” ayuu yiri Wasiir Nuux.

Tallaabadan ayaa timid kaddib shil halis ah oo dhacay 22-kii Maarso, markii diyaarad xamuul ah oo laga leeyahay Kenya, nooca De Havilland DHC-5D Buffalo oo ay leedahay shirkadda Trident Aviation, ay ku burburtay deegaanka Ceel Xabaaloow, oo qiyaastii 24km u jirta Muqdisho.

Dhamaan shan shaqaale oo saarnaa diyaaradda ayaa ku geeriyooday. Diyaaraddan ayaa kasoo laabatay howlgallo sahay gaarsiin ah oo ay u fulisay ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Dhoobley. Hay’adaha duulista Soomaaliya ayaa bilaabay baaritaan ku saabsan sababta keentay shilkaas.

Go’aanka cusub ayaa sidoo kale kusoo beegmaya kaddib weerar hoobiye ah oo lala beegsaday garoonka Aadan Cadde 6-dii Abriil, kaas oo masuuliyiinta Soomaaliya ay ku eedeeyeen kooxda Al-Shabaab.

Weerarkaas ayaa sababay in shirkadaha Turkish Airlines iyo EgyptAir ay si ku-meel-gaar ah u hakiyaan duulimaadyadoodii. Turkish Airlines ayaa dib u bilowday duulimaadkeeda 9-kii Abriil, halka EgyptAir ay weli hakisay safarradii isbuucle ahaa ee ay ku mari jirtay Djibouti.

Waaxda duulista rayidka Soomaaliya ayaa si tartiib ah u kobcaysay sanadihii u dambeeyay, iyadoo shirkado duulimaadyo caalami ah ay bilaabeen inay toos uga safraan una yimaadaan Muqdisho, taasoo ay suurtagelisay xasillooni amni oo isa soo taraysa. Si kastaba, dhacdooyin duulimaadyo oo halis ah ayaa weli soo laabtay.

Bishii Janaayo 2024, diyaarad xamuul ah oo Kenyan ah oo gargaar u siday Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP) ayaa burburtay xilli ay degaysay, taasoo dishay laba qof. Bishii Luulyo 2023, diyaarad ay leedahay shirkadda Halla Airlines ayaa si degdeg ah ugu degtay garoonka Muqdisho, kaddib markii ay la kulantay dabaylo xooggan iyo cilad ka timid lugaha degista. Dhamaan 34 rakaab ee saarnaa waa ay badbaadeen, inkastoo laba qof ay dhaawacmeen.

Ethiopia Abriil 12, 2025 Dowladda Itoobiya ayaa Jimcihii wasiir u magacowday Getachew Reda, hoggaamiye hore oo fallaago ahaa kana tirsanaa maamulka ku-meel-gaarka ah ee Tigray, kaasoo dhowaan xilka laga qaaday. Tallaabadan ayaa dhalisay cabsi laga qabo in ay sii huriso kala-qaybsanaanta sii kordheysa ee ka jirta gobolka woqooyi ee dalka.

Gobolka Tigray weli wuxuu la daalaa-dhacayaa dhibaatooyinka ka dhashay dagaalkii laba sano socday, kaasoo lagu soo afjaray heshiis nabadeed oo lagu gaaray 2022, isla markaana horseeday dhismaha maamul ku-meel-gaar ah.

Dagaalkaasi wuxuu noqday mid ka mid ah kuwa ugu dhimashada badan qarnigan, iyadoo qiyaas ahaan ay ku dhinteen illaa 600,000 oo qof. Dagaalka wuxuu dhaxmaray jabhadda Tigray iyo ciidanka federaalka Itoobiya oo ay garab siinayeen maleeshiyaad maxalli ah iyo ciidanka Eritrea.

Getachew Reda ayaa xilka laga qaaday horaantii bishan, waxaana lagu beddelay hoggaamiyaha Xisbiga Tigray People’s Liberation Front (TPLF), Debretsion Gebremichael, kadib khilaaf siyaasadeed oo xooggan oo ka dhex qarxay hogaanka TPLF.

Hase yeeshee, Jimcihii shalay, Addis Ababa ayaa Getachew u magacowday “La-taliye sare oo u qaabilsan Ra’iisul Wasaaraha arrimaha Geeska Afrika, iyadoo la siiyay darajada wasiirnimo”, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay barta X (horey Twitter).

Getachew oo 50 jir ah, ayaa horey u soo qabtay xilka Wasiirka Warfaafinta illaa inta aanu xilka la wareegin Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed sanadkii 2018.

Mehdi Labzae, oo ah khabiir Itoobiya u jooga Xarunta Qaranka ee Cilmi-baarista Sayniska ee Faransiiska, ayaa sheegay in magacaabista Getachew ay tahay “khiyaano dhab ah oo khatar u ah sii kordhinta kala-qaybsanaanta gobolka, ha ahaato heer siyaasadeed ama heer bulsho.”

“Getachew Reda wuxuu wali leeyahay taageero ballaaran, saamayn buuxdana waa uu ku leeyahay gobolka. Waa la arki doonaa waxa xiga,” ayuu yiri Labzae oo la hadlay AFP.

Kjetil Tronvoll, oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha Geeska Afrika, ayaa isna qiray in magacaabistan ay sii kala fogeyn karto dhinacyada siyaasadda gobolka. “Magacaabista Getachew waxay sii xoojineysaa kala-qaybsanaanta, xilli gobolka uu wali ka soo kabanayo colaaddii dhiigga badnayd,” ayuu u sheegay AFP.

“Waxaa lagu eedeyn doonaa inuu dhabarka u jeediyay Tigray, isagoo haatan la safanaya cadowgii hore,” ayuu intaas ku daray.

Inkasta oo xaaladda guud ee gobolka ay u muuqato mid degan, haddana hirgelinta heshiiskii nabadeed ee Pretoria 2022 ayaa wali ah mid aan si buuxda loo fulin, taasoo dhashay khilaafyo ka dhex jira hoggaanka siyaasadeed ee Tigray.

Khubarada ayaa ka digaya in khilaafaadkaas ka dhex taagan TPLF ay kicin karaan xiisado cusub, iyadoo wararku sheegayaan in bishii hore ciidamo daacad u ah Debretsion ay la wareegeen magaalooyin dhowr ah ayna xilalka ka qaadeen duqyaal uu magacaabay maamulka ku-meel-gaarka ahaa.

Dhinaca kale, xiriirka Itoobiya iyo Eritrea ayaa mar kale u muuqda mid qallafsan, iyadoo Asmara lagu eedeeyay in ay taageerayso garabka Debretsion ee ka dhex jira TPLF.

Muqdisho Abriil 12, 2025  Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in xiriirka kala dhaxeeya Itoobiya uu mar kale deggan yahay, bilooyin kaddib markii heshiis badeed oo dhex maray Addis Ababa iyo Somaliland uu sababay mid ka mid ah khilaafaadka diblomaasiyadeed ee ugu xumaa sanado badan ee ka dhex dhaca labada daris ee Geeska Afrika.

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa hadalkan ka sheegay Jimcihii madasha Antalya Diplomacy Forum ee ka dhacday dalka Turkiga.

Wuxuu xusay in labada dowladood ay hadda ka shaqeynayaan soo celinta wada-shaqeyntii hore. “Waxaan la leenahay Itoobiya xiriir adag,” ayuu yiri Balcad. “Soomaaliya oo xasilloon waxay faa’iido u tahay Itoobiya, Itoobiya xasilloonna waxay faa’iido u tahay Soomaaliya.”

Hadalka Balcad ayaa yimid in ka badan sanad kaddib markii Itoobiya ay 1-dii Janaayo 2024 saxiixday is-afgarad muran dhaliyay oo ay la gashay Somaliland, kaasoo u oggolaanaya inay muddo 50 sano ah ka faa’iideysato marin badeed 19-kiloo mitir ah oo ku yaalla agagaarka Berbera.

Heshiiskaas ayaa sidoo kale watay qodob muujinaya suurta-galnimada in Itoobiya ay aqoonsato Somaliland oo ah gobol iskii ugu dhawaaqay madax-bannaani, inkasta oo aysan jirin dal ka tirsan Qaramada Midoobay oo ilaa hadda si rasmi ah u aqoonsaday.

Iyadoo cadaadis uga imanayay beesha caalamka, gaar ahaan dalalka Turkiga iyo Maraykanka, waxaa la bilaabay wadahadallo u dhexeeyay Muqdisho iyo Addis Ababa, kuwaas oo lagu soo afjaray heshiiskii Ankara ee la gaaray 12-kii Diseembar 2024

Heshiiskaasi wuxuu caddaynayay in labada dhinac ay ixtiraamayaan madax-bannaanida midba midka kale, isla markaana uu dhigayay saldhig rasmi ah oo loogu gogol xaarayo wada-hadallo mustaqbalka ah oo ku saabsan rabitaanka Itoobiya ee marin badeed sharci ah oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay.

Hadallada Balcad ayaa u muuqda kuwo dib u furaaya dariiqii diblomaasiyadda kadib markii Soomaaliya si kulul ugu eedeysay Itoobiya in ay ku xadgudubtay madax-bannaanideeda. Bishii Janaayo, Itoobiya ayaa la saxiixatay Somaliland is-afgarad u oggolaanaya inay isticmaasho marin badeedka Badda Cas, taasoo beddelkeeda suuragal ka dhigi karta aqoonsi ay siiso Somaliland.

Tallaabadaas ayaa si weyn waxaa u cambaareeyay dowladda federaalka Soomaaliya, waxayna sababtay in si ku-meel-gaar ah loo hakiyo wada-shaqeyntii labada dhinac, oo ay ku jireen iskaashigii milatari iyo xiriirkii diblomaasiyadeed.

Khilaafkaasi wuxuu walaac weyn ku abuuray xulafada reer Galbeedka, oo ay ku jiraan Mareykanka, kuwaas oo ka digay in xasillooni darrada labada dal ay wiiqi karto howlgalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda gobolka, isla markaana ay dhiirrigelin karto kooxo xagjir ah sida Al-Shabaab.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa taariikh ahaan iska kaashan jiray la dagaallanka argagixisada, gaar ahaan koonfurta Soomaaliya, halkaas oo ay ciidamada Itoobiya door muuqda ku leeyihiin.

Si kastaba, calaamado muujinaya is-faham dib u soo laabanaya, Soomaaliya ayaa oggolaatay in Itoobiya ay qeyb ka noqoto ciidanka cusub ee nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kaasoo beddelaya howlgalka ATMIS ee lagu wado in uu dhammaado. Dowladda Soomaaliya ayaa Itoobiya u oggolaatay inay soo dirto 2,500 askari oo ka mid noqonaya ciidamada AUSSOM.

Muqdisho Abriil 12, 2025  Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa weerar adag ku qaaday agaasimihii hore ee hay’adda NISA, Fahad Yaasiin, kaddib qoraal uu Fahad dhowaan baahiyay oo u muuqday mid si toos ah u weeraraya wasiirkii hore ee gaashaandhigga.

Fahad ayaa qoraalkiisa ku eedeeyay “in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed saddexdii sano ee u dambeysay ay u gacan galeen shirqool uu soo maleegay dal carbeed, iyadoo la sheegay in qorshahaas ay fuliyeen laba qof oo xilal sare kasoo qabtay hay’ado awood u leh hirgelinta dano shisheeye, isla markaana adeegsaday habab arxan darro ah.”

Qoraalka Fahad wuxuu intaas ku daray: “Midkood, shisheeyuhu waxay ku guuleysteen in xilka Wasaaradda Gaashaandhigga loo dhiibo xilligii madaxweynihii hore, hase yeeshee wuxuu ku fashilmay fulinta shirqoolkaas, waxaana ka hor tegay Taliskii CXD ee waqtigaas. Nasiibdarro, isla Wasaaradda ayaa mar kale lagu soo celiyey si uu mar kale u furo waddadii qorshuhu maray. Midka kalena, wuxuu qabtay xilka ugu sarreeya ee Xoogga Dalka, iyadoo Madaxweynaha hadda jira uu u dhiibay.”

In kasta oo Wasiir Jaamac uusan ugu magacaabin Fahad Yaasiin si cad qoraalkiisa, haddana xubno ku dhow ayaa xaqiijiyey in fariintiisu si toos ah ugu socotay Fahad. Sidoo kalena, qoraalka ayaa si muuqata u muujinaya arrintaas.

Qoraalka Wasiir Jaamac:

“Wuxuu ahaa mid ka mid ah arxan laawayaasha daaha gadaashiisa ka koriya Khawaarijta hadba intii itaalkiisa ah, sabab la xiriirta in lagu soo anqariyay fikir-diimeed gurracan iyo caqiido gaaleysiin ku saleysan.

Markii uu mikrafoonka sida khaldan u qaatayna isaga oo aan meelna ku baran cilmiga saxaafaddana wuxuu ahaa buunbuuniyaha ugu wayn argagixisada, markii danbana waxeey ku guulaysteen in ay dawladnimada ku soo darsadaan si uu ugu adeego.

Inti uu dibindaabyada qaranka ku howlanaa ee uu dowladnimada ku dhex jiray wuxuu joojiyey dagaalkii tooska ahaa ee ku socday khawaarijta, wuxuuna qorigi dowladda u soo leexiyay gudaheeda.

Wuxuu khawaarijta u furay albaabo ay dhaqaalo ku sameeyaan wuxuuna u balaqay dhammaan albaabada dhaqaalaha sida suuqyada, bankiyada, xawaaladaha, dekadaha, airprt-yada ilaa uu u dhisay nidaam maaliyadeed ka dakhli badan kan dawladda.

Wuxuu kala shaqeeyay Khawaarijta in ay si ballaaran ugu milmaan hay’adaha dowladda si ay xogta gacanta ugu dhigaan.

Ugu dambaynna wuxuu kala shaqaynayay Khawaarijta in ay dalka la wareegaan ilaa isaga laga dhex bixiyay dowladnimada.

Alle mahadiis sadex sano ka dib dhamaan xargihi uu xirxiray waa la furfuray waana la fashiliyay damacaas.

Hadii aad is waydiineysaan qofkuu yahay, waa qofka kaliya ee dalkaan xil ka soo qabtay oo dakanada iyo dambiyada uu galay darteed baxsadka ka ah kana cararay.

Rajada kaliya ee u hartay waa in ay Khawaarijtu xoogaysato si isaga oo iyaga matalaayo uu siyaasadda ugu soo laabto, waana mid aan loo fadhin.

Marki afaraad ayuu qarankeygu igu maamuusay xil wasiirnimo oo uusan waligii hawaysan, waxa uu daacanayana waa cuqdad shaqsi ah iyo takfiirnimadi siyaasadeed ee diinta u aheyd.”

WARARKA MAANTA Abriil 12, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa waalay Maamulka #Somaliland? Hambalyo Shacabka Iyo Dowlad #SSCKhaatumoState! Yaa kamid ah wefdiga Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre? Yaa noqon doona Madaxweynaha soo socda? Yaa kamid noqon doona golaha wasiiradda cusub? Yaa noqon doona Guddoomiyaha cusub ee Gobalka Banaadir? Yaa noqon doona Taliyaha Cusub ee Nabad-Sugida? Yaa noqon doona Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka #Soomaaliya? Yaa noqon doona Guddoomiyaha Maxkammadda Sare? Ha Wiqleyso! 

Antaliya Abriil 12, 2025  Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka dalka Masar Dr. Badr Abdel Aty ayaa fariin uu kasiday Madaxweynihiisa Cabdulfitaax Al Sisi gaarsiiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, xilli ay ka qeyb galayaan Madasha Diblomaasiyadeed ee Antalya.

Ugu horeyn, Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa u gudbiyay salaan uu uga siday Al sisi Madaxweynaha Soomaaliya isagoo u rajeeyay in la sii wado wada shaqeynta labada Dowladood ee dhinacyada amniga, xasilloonida, iyo nabad kuso dabaalida Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa xaqiijiyay in Masar ay si buuxda uga go’an tahay taageeridda midnimada iyo wadajirka dhulka Soomaaliyeed iyo hay’adaha qaranka, iyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Wuxuu caddeeyay in Masar ay Soomaaliya ka taageereyso ka hortagga argagixisada iyo xagjirnimada xilligan xasaasiga ah, isagoo carabka ku adkeeyay inay ka go’an tahay inay siiso nooc kasta oo taageero ah si loola dagaallamo argagixisada iyo sidii loo heli lahaa amni iyo xasillooni.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa ka codsaday in salaan uu ka gaarsiiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Masar, iyo mahadcelin ballaaran oo ku aaddan doorka taageerada ee Masar ay ku leedahay dalkiisa heerarkeeda kala duwan.

Addis Ababa Abriil 12, 2025  Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, ayaa magaalada Addis Ababa kulan rasmi ah kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Ukraine, Danjire Andrii Sybiha.

Kulankan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim ah oo taariikhi ah, maadaama lagu shaaciyay dib u soo celinta xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal.

Intii uu socday kulankaasi, labada mas’uul waxay saxiixeen heshiis rasmi ah oo ah hab-maamuus diblumaasiyadeed. Heshiiskaas ayaa u gogol xaaraya dib u bilaabashada xiriir rasmi ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Ukraine, kadib muddo xiriirkaasi hakad ku jiray.

Saxiixa hab-maamuuskan diblumaasiyadeed wuxuu muujinayaa rabitaanka labada dowladood ee ah in ay dib u dhisaan, isla markaana xoojiyaan xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee dhinacyada kala duwan. Waxay sidoo kale caddeeyeen sida ay uga go’an tahay in ay wada shaqeyn dhab ah yeeshaan.

Wada-hadalka labada wasiir ayaa si qoto dheer diiradda u saaray sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga laba geesoodka ah. Waxay si gaar ah uga wada hadleen fursadaha horumarineed ee labada dal u dhaxeeya, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo amniga.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa ku dheeraaday sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay in la yeesho xiriir diblumaasiyadeed oo miro dhal ah. Wuxuu xusay in xiriirka Ukraine uu muhiim u yahay siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, wasiirka Soomaaliya wuxuu bogaadiyay dadaalka Ukraine ay muujisay ee ku aaddan furitaanka bog cusub oo iskaashi iyo isfaham ku dhisan. Wuxuu intaas ku daray in arrintani ay tusaale u tahay sida dalalka caalamku u daneynayaan in ay la shaqeeyaan Soomaaliya.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ukraine ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay in uu si buuxda ula shaqeeyo Soomaaliya. Wuxuu carabka ku adkeeyay inay ixtiraamayaan madax-bannaanida, midnimada dhuleed, iyo qarannimada Soomaaliya.

Danjire Sybiha wuxuu tilmaamay in xiriirka cusub uu horseedi karo iskaashi dhaqaale, taageero farsamo, iyo wax wada qabsi dhinacyo badan leh. Wuxuu sidoo kale sheegay inay diyaar u yihiin in ay sahamiyaan fursado cusub oo ganacsi iyo horumarin ah oo ka dhex dhalan kara labada dal.

Kulanka labada wasiir ayaa sidoo kale lagu muujiyay sida xiriirka diblumaasiyadeed uu muhiim ugu yahay amniga iyo xasilloonida gobolka. Labada dhinac waxay isku raaceen in la sii wadayo kulamada iyo wada hadallada si loo xaqiijiyo horumar joogto ah.

Ugu dambayn, heshiiskan cusub wuxuu calaamad u yahay bilow cusub oo xiriir wanaagsan oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Ukraine, taasoo ka tarjumaysa danta guud iyo rabitaanka labada dal in ay noqdaan saaxiibo dhow oo si hufan u wada shaqeeya.

Maamulka Somaliland  Abriil 12, 2025 Somaliland ayaa markale si adag u cambaareysay safarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre uu ku tegayo magaalada Laascaanood oo haatan uu ka taliyo maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa safarka Ra’iisul Wasaare Xamza lagu tilmaamay mid halis amni oo weyn ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka, isla markaana si toos ah u dhaawacayaa madax-bannaanida Somaliland.

“Booqashadan aan waqtigeedu habboonayn waxay wiiqeysaa dadaallada socda ee lagu horumarinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka. Dowladda Somaliland waxay u aragtaa arrintan mid kacsan oo culus, waxayna si cad u sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay si buuxda uga masuul noqon doonto cawaaqib kasta oo ka dhasha xiisad iyo qalalaase amni,” ayaa lagu yiri bayaanka Somaliland.

Somaliland ayaa ugu baaqday Midowga Afrika, Urur-Goboleedka IGAD, Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta, iyo dhammaan saaxiibada caalamiga ah inay si cad u aqoonsadaan in ficillada mas’uuliyiinta Soomaaliya ay khatar toos ah ku yihiin nabadda iyo amniga gobolka.

Sidoo kale waxay ugu baaqday hay’adaha mas’uulka ka ah ee goboleed iyo caalami ah inay si dhaqso leh, oo wadajir ahna uga fal-celiyaan ficillada wiiqaya xasilloonida ee ka imanaya Soomaaliya, sida lagu yiri bayaanka.

Hoos ka aqriso bayaanka Somaliland

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay si adag oo aan mugdi ku jirin u cambaareyneysaa booqashada la qorsheeyay ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku tagayo magaalada Laascaanood.

Falkan kacsan wuxuu si toos ah u dhaawacayaa madax-bannaanida Somaliland wuxuuna halis weyn ku yahay nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Booqashadan aan waqtigeedu habboonayn waxay wiiqeysaa dadaallada socda ee lagu horumarinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka. Dowladda Somaliland waxay u aragtaa arrintan mid kacsan oo culus, waxayna si cad u sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay si buuxda uga masuul noqon doonto cawaaqib kasta oo ka dhasha xiisad iyo qalalaase amni.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay ugu baaqeysaa Midowga Afrika, Urur-Goboleedka IGAD, Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta, iyo dhammaan saaxiibada caalamiga ah inay si cad u aqoonsadaan in ficillada mas’uuliyiinta Soomaaliya ay khatar toos ah ku yihiin nabadda iyo amniga gobolka. Muddo tobannaan sano ah, Somaliland waxay dulqaad u muujisay falalka kicinta ah, iyadoo weligeed u taagnaatay tiir xasilloonida iyo awood dhisaysa nabadda gobolka.

Dowladda Somaliland waxay ugu baaqeysaa hay’adaha mas’uulka ka ah ee goboleed iyo caalami ah inay si dhaqso leh, si wadajir ahna uga fal-celiyaan ficillada wiiqaya xasilloonida ee ka imanaya Soomaaliya.

Haddii tallaabo deg-deg ah la qaadi waayo, waxa sii xoogeysan doona xaaladaha aan dawladnimadu gacanta ku hayn ee gobolka horey u nuglaa, taas oo sababi karta dhibaatooyin hor leh sida barakac, tahriib, musiibo bini’aadannimo, iyo khataro amni oo xuduud-dhaaf ah.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay mar kale caddaynaysaa inay ka go’an tahay nabadda, wada hadalka, iyo iskaashiga goboleed. Si kastaba ha ahaatee, waxay qaadi doontaa tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si ay u difaacdo madax-bannaanideeda iyo ammaankeeda haddii khatar la kulanto.

Jubbaland Abriil 12, 2025 Maamulka Jubbaland ayaa ku adkeystay in uusan ka leexan doonin mowqifkii hore ee ku saleysnaa madax-bannaanida maamulka, xilli ay soo baxayaan xogo hoose oo sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya uusan martiqaadin hoggaamiyaha Kismaayo.

Jubbaland ayaa muujisay shaki la xiriira kulanka uu Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ku casuumay madaxda maamul-goboleedyada, kaasi oo haatan aan lagu martiqaadin Axmed Madoobe.

Gogoshan ayaa markii hore la filayay inay qeyb ka noqoto dadaallo lagu xallinayo khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada, iyadoo beesha caalamka ay cadaadis ku saartay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu miiska iskugu keeno dhammaan hoggaamiyeyaasha maamullada. Balse, sida muuqata, Madaxweynaha ayaa taas ka dhagaha ka fureystay.

Maamulka ayaa caddeeyay in Jubbaland aanu ku shaqeyn doonin amarro uga yimaada Villa Somalia, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jubbaland, Cabdifataax Maxamed Mukhtaar.

“Jubbaland waxay go’aan mas’uuliyad ku dheehan tahay ku gaartay inay ka baxdo Madasha Wadatashiga 7-dii Oktoobar 2024,” ayuu yiri Wasiir Cabdifataax. “Madaxweyne Xasan haddii uu hilmaamay, waa in la xasuusiyo in Jubbaland aan laga maamulo Villa Somalia. Annaga ayaa masiirkeena ka talina,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hadalka Wasiirka ayaa imaanaya xilli gogosha Villa Somalia loo arko mid aan loo dhammeyn, halkii ay noqon lahayd mid lagu mideeyo mowqifyada siyaasadeed laguna xoojiyo wada-shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada. Si kastaba ha ahaatee, Jubbaland ayaa u muuqata mid aan kalsooni badan ku qabin ujeeddooyinka ka dambeeya gogoshan.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa horey u muujiyay inuu taageersan yahay in la isugu yimaado miis wada-hadal ah oo lagu xalliyo khilaafaadka jira. Wuxuu sheegay in loo baahan yahay wadajir siyaasadeed si looga hortago khataraha dalka horyaalla.

Axmed Madoobe ayaa dhowr jeer carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dhiso hannaan siyaasadeed oo hufan laguna dhiso kalsooni dhexmarta dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada. Wuxuu xusay in khilaafaadka siyaasadeed ay dib u dhac ku keenayaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Balse, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta casuumaad u diray madaxda dowlad-goboleedyada, iyadoo laga reebay Axmed Madoobe, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Tani waxay waafaqsan tahay xogtii ay Caasimada Online baahisay xalay, taasoo sheegaysay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu diiday inuu casuumo Axmed Madoobe.

Sida aan xogta ku helnay, Villa Somalia ayaa ku adkeysatay in la casuumayo oo kaliya madaxda sare ee Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada leh sharciyad dastuuri ah iyo awood go’aan-qaadasho. Waxay u aragtaa in Axmed Madoobe uusan haysan sharciyad.

Go’aanka lagu reebay Madoobe wuxuu ka tarjumayaa mowqifka Villa Somalia ee ah in muddo-xileedkiisu dhammaaday, taasoo sii adkeynaysa khilaafka ka taagan hab-dhismeedka federaalka ee dalka.

Inkasta oo khilaafaadka u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada aysan ahayn kuwo cusub, haddana waa markii ugu horreysay ee Madaxweyne federaal ah si rasmi ah uga reebo hoggaamiye dowlad-goboleed ka qeybgalka shir qaran oo heer sare ah.

Muqdisho Abriil 12, 2025  Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Rayidka ee Soomaaliya ayaa amar ku bixisay in si degdeg ah loo sameeyo kormeerro badbaado iyo dib-u-shahaado-siinta dhammaan diyaaradaha ka howlgala gudaha dalka, kaddib shilal duulimaadyo oo isdaba joog ah iyo walaacyo sii kordhaya oo la xiriira amniga hawada dalka.

Amarkan ayaa lagu shaaciyay kulan uu Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista, Maxamed Faarax Nuux, la yeeshay masuuliyiin ka tirsan waaxda duulista rayidka, kaas oo ka dhacay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Qaraarku wuxuu waajibinayaa in baaritaanno badbaado lagu sameeyo dhammaan diyaaradaha ku duulaya, kasoo degaya ama ka baxaya Soomaaliya. Inkasta oo aan la cayimin waqti kama dambeys ah, masuuliyiinta ayaa sheegay in baaritaannada si degdeg ah loo bilaabi doono

“Waa in la hubiyaa in diyaar kasta oo ka duuleysa ama kusoo degaysa Soomaaliya si buuxda loo baaray, loo diiwaangeliyay, lana hubiyay dayactirkeeda,” ayuu yiri Wasiir Nuux.

Tallaabadan ayaa timid kaddib shil halis ah oo dhacay 22-kii Maarso, markii diyaarad xamuul ah oo laga leeyahay Kenya, nooca De Havilland DHC-5D Buffalo oo ay leedahay shirkadda Trident Aviation, ay ku burburtay deegaanka Ceel Xabaaloow, oo qiyaastii 24km u jirta Muqdisho.

Dhamaan shan shaqaale oo saarnaa diyaaradda ayaa ku geeriyooday. Diyaaraddan ayaa kasoo laabatay howlgallo sahay gaarsiin ah oo ay u fulisay ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Dhoobley. Hay’adaha duulista Soomaaliya ayaa bilaabay baaritaan ku saabsan sababta keentay shilkaas.

Go’aanka cusub ayaa sidoo kale kusoo beegmaya kaddib weerar hoobiye ah oo lala beegsaday garoonka Aadan Cadde 6-dii Abriil, kaas oo masuuliyiinta Soomaaliya ay ku eedeeyeen kooxda Al-Shabaab.

Weerarkaas ayaa sababay in shirkadaha Turkish Airlines iyo EgyptAir ay si ku-meel-gaar ah u hakiyaan duulimaadyadoodii. Turkish Airlines ayaa dib u bilowday duulimaadkeeda 9-kii Abriil, halka EgyptAir ay weli hakisay safarradii isbuucle ahaa ee ay ku mari jirtay Djibouti.

Waaxda duulista rayidka Soomaaliya ayaa si tartiib ah u kobcaysay sanadihii u dambeeyay, iyadoo shirkado duulimaadyo caalami ah ay bilaabeen inay toos uga safraan una yimaadaan Muqdisho, taasoo ay suurtagelisay xasillooni amni oo isa soo taraysa. Si kastaba, dhacdooyin duulimaadyo oo halis ah ayaa weli soo laabtay.

Bishii Janaayo 2024, diyaarad xamuul ah oo Kenyan ah oo gargaar u siday Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP) ayaa burburtay xilli ay degaysay, taasoo dishay laba qof. Bishii Luulyo 2023, diyaarad ay leedahay shirkadda Halla Airlines ayaa si degdeg ah ugu degtay garoonka Muqdisho, kaddib markii ay la kulantay dabaylo xooggan iyo cilad ka timid lugaha degista. Dhamaan 34 rakaab ee saarnaa waa ay badbaadeen, inkastoo laba qof ay dhaawacmeen.

Ethiopia Abriil 12, 2025 Dowladda Itoobiya ayaa Jimcihii wasiir u magacowday Getachew Reda, hoggaamiye hore oo fallaago ahaa kana tirsanaa maamulka ku-meel-gaarka ah ee Tigray, kaasoo dhowaan xilka laga qaaday. Tallaabadan ayaa dhalisay cabsi laga qabo in ay sii huriso kala-qaybsanaanta sii kordheysa ee ka jirta gobolka woqooyi ee dalka.

Gobolka Tigray weli wuxuu la daalaa-dhacayaa dhibaatooyinka ka dhashay dagaalkii laba sano socday, kaasoo lagu soo afjaray heshiis nabadeed oo lagu gaaray 2022, isla markaana horseeday dhismaha maamul ku-meel-gaar ah.

Dagaalkaasi wuxuu noqday mid ka mid ah kuwa ugu dhimashada badan qarnigan, iyadoo qiyaas ahaan ay ku dhinteen illaa 600,000 oo qof. Dagaalka wuxuu dhaxmaray jabhadda Tigray iyo ciidanka federaalka Itoobiya oo ay garab siinayeen maleeshiyaad maxalli ah iyo ciidanka Eritrea.

Getachew Reda ayaa xilka laga qaaday horaantii bishan, waxaana lagu beddelay hoggaamiyaha Xisbiga Tigray People’s Liberation Front (TPLF), Debretsion Gebremichael, kadib khilaaf siyaasadeed oo xooggan oo ka dhex qarxay hogaanka TPLF.

Hase yeeshee, Jimcihii shalay, Addis Ababa ayaa Getachew u magacowday “La-taliye sare oo u qaabilsan Ra’iisul Wasaaraha arrimaha Geeska Afrika, iyadoo la siiyay darajada wasiirnimo”, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay barta X (horey Twitter).

Getachew oo 50 jir ah, ayaa horey u soo qabtay xilka Wasiirka Warfaafinta illaa inta aanu xilka la wareegin Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed sanadkii 2018.

Mehdi Labzae, oo ah khabiir Itoobiya u jooga Xarunta Qaranka ee Cilmi-baarista Sayniska ee Faransiiska, ayaa sheegay in magacaabista Getachew ay tahay “khiyaano dhab ah oo khatar u ah sii kordhinta kala-qaybsanaanta gobolka, ha ahaato heer siyaasadeed ama heer bulsho.”

“Getachew Reda wuxuu wali leeyahay taageero ballaaran, saamayn buuxdana waa uu ku leeyahay gobolka. Waa la arki doonaa waxa xiga,” ayuu yiri Labzae oo la hadlay AFP.

Kjetil Tronvoll, oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha Geeska Afrika, ayaa isna qiray in magacaabistan ay sii kala fogeyn karto dhinacyada siyaasadda gobolka. “Magacaabista Getachew waxay sii xoojineysaa kala-qaybsanaanta, xilli gobolka uu wali ka soo kabanayo colaaddii dhiigga badnayd,” ayuu u sheegay AFP.

“Waxaa lagu eedeyn doonaa inuu dhabarka u jeediyay Tigray, isagoo haatan la safanaya cadowgii hore,” ayuu intaas ku daray.

Inkasta oo xaaladda guud ee gobolka ay u muuqato mid degan, haddana hirgelinta heshiiskii nabadeed ee Pretoria 2022 ayaa wali ah mid aan si buuxda loo fulin, taasoo dhashay khilaafyo ka dhex jira hoggaanka siyaasadeed ee Tigray.

Khubarada ayaa ka digaya in khilaafaadkaas ka dhex taagan TPLF ay kicin karaan xiisado cusub, iyadoo wararku sheegayaan in bishii hore ciidamo daacad u ah Debretsion ay la wareegeen magaalooyin dhowr ah ayna xilalka ka qaadeen duqyaal uu magacaabay maamulka ku-meel-gaarka ahaa.

Dhinaca kale, xiriirka Itoobiya iyo Eritrea ayaa mar kale u muuqda mid qallafsan, iyadoo Asmara lagu eedeeyay in ay taageerayso garabka Debretsion ee ka dhex jira TPLF.

Muqdisho Abriil 12, 2025  Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in xiriirka kala dhaxeeya Itoobiya uu mar kale deggan yahay, bilooyin kaddib markii heshiis badeed oo dhex maray Addis Ababa iyo Somaliland uu sababay mid ka mid ah khilaafaadka diblomaasiyadeed ee ugu xumaa sanado badan ee ka dhex dhaca labada daris ee Geeska Afrika.

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa hadalkan ka sheegay Jimcihii madasha Antalya Diplomacy Forum ee ka dhacday dalka Turkiga.

Wuxuu xusay in labada dowladood ay hadda ka shaqeynayaan soo celinta wada-shaqeyntii hore. “Waxaan la leenahay Itoobiya xiriir adag,” ayuu yiri Balcad. “Soomaaliya oo xasilloon waxay faa’iido u tahay Itoobiya, Itoobiya xasilloonna waxay faa’iido u tahay Soomaaliya.”

Hadalka Balcad ayaa yimid in ka badan sanad kaddib markii Itoobiya ay 1-dii Janaayo 2024 saxiixday is-afgarad muran dhaliyay oo ay la gashay Somaliland, kaasoo u oggolaanaya inay muddo 50 sano ah ka faa’iideysato marin badeed 19-kiloo mitir ah oo ku yaalla agagaarka Berbera.

Heshiiskaas ayaa sidoo kale watay qodob muujinaya suurta-galnimada in Itoobiya ay aqoonsato Somaliland oo ah gobol iskii ugu dhawaaqay madax-bannaani, inkasta oo aysan jirin dal ka tirsan Qaramada Midoobay oo ilaa hadda si rasmi ah u aqoonsaday.

Iyadoo cadaadis uga imanayay beesha caalamka, gaar ahaan dalalka Turkiga iyo Maraykanka, waxaa la bilaabay wadahadallo u dhexeeyay Muqdisho iyo Addis Ababa, kuwaas oo lagu soo afjaray heshiiskii Ankara ee la gaaray 12-kii Diseembar 2024

Heshiiskaasi wuxuu caddaynayay in labada dhinac ay ixtiraamayaan madax-bannaanida midba midka kale, isla markaana uu dhigayay saldhig rasmi ah oo loogu gogol xaarayo wada-hadallo mustaqbalka ah oo ku saabsan rabitaanka Itoobiya ee marin badeed sharci ah oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay.

Hadallada Balcad ayaa u muuqda kuwo dib u furaaya dariiqii diblomaasiyadda kadib markii Soomaaliya si kulul ugu eedeysay Itoobiya in ay ku xadgudubtay madax-bannaanideeda. Bishii Janaayo, Itoobiya ayaa la saxiixatay Somaliland is-afgarad u oggolaanaya inay isticmaasho marin badeedka Badda Cas, taasoo beddelkeeda suuragal ka dhigi karta aqoonsi ay siiso Somaliland.

Tallaabadaas ayaa si weyn waxaa u cambaareeyay dowladda federaalka Soomaaliya, waxayna sababtay in si ku-meel-gaar ah loo hakiyo wada-shaqeyntii labada dhinac, oo ay ku jireen iskaashigii milatari iyo xiriirkii diblomaasiyadeed.

Khilaafkaasi wuxuu walaac weyn ku abuuray xulafada reer Galbeedka, oo ay ku jiraan Mareykanka, kuwaas oo ka digay in xasillooni darrada labada dal ay wiiqi karto howlgalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda gobolka, isla markaana ay dhiirrigelin karto kooxo xagjir ah sida Al-Shabaab.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa taariikh ahaan iska kaashan jiray la dagaallanka argagixisada, gaar ahaan koonfurta Soomaaliya, halkaas oo ay ciidamada Itoobiya door muuqda ku leeyihiin.

Si kastaba, calaamado muujinaya is-faham dib u soo laabanaya, Soomaaliya ayaa oggolaatay in Itoobiya ay qeyb ka noqoto ciidanka cusub ee nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kaasoo beddelaya howlgalka ATMIS ee lagu wado in uu dhammaado. Dowladda Soomaaliya ayaa Itoobiya u oggolaatay inay soo dirto 2,500 askari oo ka mid noqonaya ciidamada AUSSOM.

Muqdisho Abriil 12, 2025  Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa weerar adag ku qaaday agaasimihii hore ee hay’adda NISA, Fahad Yaasiin, kaddib qoraal uu Fahad dhowaan baahiyay oo u muuqday mid si toos ah u weeraraya wasiirkii hore ee gaashaandhigga.

Fahad ayaa qoraalkiisa ku eedeeyay “in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed saddexdii sano ee u dambeysay ay u gacan galeen shirqool uu soo maleegay dal carbeed, iyadoo la sheegay in qorshahaas ay fuliyeen laba qof oo xilal sare kasoo qabtay hay’ado awood u leh hirgelinta dano shisheeye, isla markaana adeegsaday habab arxan darro ah.”

Qoraalka Fahad wuxuu intaas ku daray: “Midkood, shisheeyuhu waxay ku guuleysteen in xilka Wasaaradda Gaashaandhigga loo dhiibo xilligii madaxweynihii hore, hase yeeshee wuxuu ku fashilmay fulinta shirqoolkaas, waxaana ka hor tegay Taliskii CXD ee waqtigaas. Nasiibdarro, isla Wasaaradda ayaa mar kale lagu soo celiyey si uu mar kale u furo waddadii qorshuhu maray. Midka kalena, wuxuu qabtay xilka ugu sarreeya ee Xoogga Dalka, iyadoo Madaxweynaha hadda jira uu u dhiibay.”

In kasta oo Wasiir Jaamac uusan ugu magacaabin Fahad Yaasiin si cad qoraalkiisa, haddana xubno ku dhow ayaa xaqiijiyey in fariintiisu si toos ah ugu socotay Fahad. Sidoo kalena, qoraalka ayaa si muuqata u muujinaya arrintaas.

Qoraalka Wasiir Jaamac:

“Wuxuu ahaa mid ka mid ah arxan laawayaasha daaha gadaashiisa ka koriya Khawaarijta hadba intii itaalkiisa ah, sabab la xiriirta in lagu soo anqariyay fikir-diimeed gurracan iyo caqiido gaaleysiin ku saleysan.

Markii uu mikrafoonka sida khaldan u qaatayna isaga oo aan meelna ku baran cilmiga saxaafaddana wuxuu ahaa buunbuuniyaha ugu wayn argagixisada, markii danbana waxeey ku guulaysteen in ay dawladnimada ku soo darsadaan si uu ugu adeego.

Inti uu dibindaabyada qaranka ku howlanaa ee uu dowladnimada ku dhex jiray wuxuu joojiyey dagaalkii tooska ahaa ee ku socday khawaarijta, wuxuuna qorigi dowladda u soo leexiyay gudaheeda.

Wuxuu khawaarijta u furay albaabo ay dhaqaalo ku sameeyaan wuxuuna u balaqay dhammaan albaabada dhaqaalaha sida suuqyada, bankiyada, xawaaladaha, dekadaha, airprt-yada ilaa uu u dhisay nidaam maaliyadeed ka dakhli badan kan dawladda.

Wuxuu kala shaqeeyay Khawaarijta in ay si ballaaran ugu milmaan hay’adaha dowladda si ay xogta gacanta ugu dhigaan.

Ugu dambaynna wuxuu kala shaqaynayay Khawaarijta in ay dalka la wareegaan ilaa isaga laga dhex bixiyay dowladnimada.

Alle mahadiis sadex sano ka dib dhamaan xargihi uu xirxiray waa la furfuray waana la fashiliyay damacaas.

Hadii aad is waydiineysaan qofkuu yahay, waa qofka kaliya ee dalkaan xil ka soo qabtay oo dakanada iyo dambiyada uu galay darteed baxsadka ka ah kana cararay.

Rajada kaliya ee u hartay waa in ay Khawaarijtu xoogaysato si isaga oo iyaga matalaayo uu siyaasadda ugu soo laabto, waana mid aan loo fadhin.

Marki afaraad ayuu qarankeygu igu maamuusay xil wasiirnimo oo uusan waligii hawaysan, waxa uu daacanayana waa cuqdad shaqsi ah iyo takfiirnimadi siyaasadeed ee diinta u aheyd.”

WARARKA MAANTA Abriil 11, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: #Hambalyo Shacabka Iyo Dowlad #SSCKhaatumoState! Maxay Maamulka #Somaliland Iyo Maamulka #Puntland u diidanaayeen inuu Raysal Wasaaree Mudane Xamsa Cabdi Barre soo booqdo Dowladda #SSKhaatumoState? Yaa kamid ah wefdiga Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre? Yaa noqon doona Madaxweynaha soo socda? Yaa kamid noqon doona golaha wasiiradda cusub? Yaa noqon doona Guddoomiyaha cusub ee Gobalka Banaadir? Yaa noqon doona Taliyaha Cusub ee Nabad-Sugida? Yaa noqon doona Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka #Soomaaliya? Yaa noqon doona Guddoomiyaha Maxkammadda Sare? Ha Wiqleyso! 

Muqdisho Abriil 11, 2025  Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Antalya ee dalka Turkiga halkaas oo uu uga qaybgali doono meertada 4aad ee Madasha Diblomaasiyadda Antalya 2025.

Shirkaan oo maanta ka furmaya magaalada Antalya ayaa waxa uu socon doonaa seddex maalmood 11ka ilaa 13ka Bishaan April waxaana diirada lagu saaraya arrimaha diplomaasiyadda iyo joojinta colaadaha.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxman Adam Cali ayaa sheegay in  Madaxwaynaha inta uu shirku socdo uu kulamo-doceeedyo la yeelan doonaa qaar ka mid ah madaxda caalamka ee madasha martida ku ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shirkaan khudbad kajeedin doona ayaa kaga hadli doona khudbadiisa arrimo ahmiyad u leh xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee Soomaaliya kala dhexeeya Turkiga iyo qaar kamid ah wadamada ka qeyb galaya.

Waxa uu kaga sheekeyn doonaa horumaradii ugu dambeeyay ee siyaasadda gudaha Soomaaliya iyo xiriirada Diplomaasiyadeed ay Dowladiisu ay sameeysay.

Waxaa la filayaa in shirka maanta uu furo Madaxweynaha Dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan isagoo madaxda ka qeyb galayaa kala hadli doona xoojinta xiriirada Diplomaasiyadeed ee wadamadaasi kala dhaxeeya Turkiga.

Muqdisho Abriil 11, 2025  Waxaa Xalay magaalada Brussels ee dalka Belgium ka ku geeriyooday Allaha u naxariistee Taliyihii ugu horreeyay ee Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Axmed Suleymaan Cabdalla (Dafle), sida ay xaqiijiyeen Qoyska Marxuumka.

Marxuum Axmed Suleymaan Cabdalla (Dafle) ayaa soo noqday Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha , iyo xubin ka tirsan Guddiga Sare ee Siyaasadda ee Dowladdii Milateriga, waxaana soddog u ahaa Madaxweynihii Dowladda Milateriga Marxuum S/Gaas Maxamed Siyaad Barre.

Dafle ayaa ku dhashay magaalada Burco ee gobolka Togdheer ee Waqooyiga Soomaaliya sanadkii 1937kii, waxaana 1971 kii loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda Qaranka (NSS) xilkaasi oo uu muddo dhowr sanno ah hayey.

Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka tacsiyadeeyay Geerida ku timid Allaah u naxariistee Taliyihii ugu horreeyay ee Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Marxuum Axmed Saleebaan Dafle, waxaana uu ku sifeeyay inuu ahaa mar siyaasigii ugu saamaynta badnaa Qaarada Afrika, isagoo sabab u noqday xornimada tiro ka 10 dal oo Afrikaan ah kuwaasi oo gumeystaha iska dul qaaday.

“Awoodda Sirdoonka Soomaaliya wuxuu gaaray inay ka war qabaan nolosha guriga Mingistu Xayla Maryam. Guulihii furimaha dagaalkii 1977 waxaa saldhig u ahaa in sirdoonku heli jiray xogta Cidanka Itoobiya, Maskaxdii iyo farshaxankii uu ku dhisay sidoonka qaranka iyadii bay wali ku socotaa” ayuu qoraalkiisa ku yiri Fahad.

Fahad Yaasiin ayaa sheegay in Markii uu noqday Taliyaha Sirdoonka NISA, ee uu arkay taariikhda uu marxuum Dafle ka tagay, uu ugu magac daray Masjidka weyn ee Xarunta Hay’adda NISA ka dhisan.

Turkiga Iyo Israa’iil Abriil 11, 2025  Turkey iyo Israel ayaa yeeshay wadahadallo farsamo oo loogu talagalay in laga hortago isku dhacyo suurtagal ah oo ka dhex dhaca ciidamadooda ku sugan gudaha Suuriya, sida uu sheegay sarkaal Turkish ah Khamiistii.

Wadahadalladii ugu horreeyay ayaa Arbacadii ka dhacay dalka Azerbaijan, iyada oo lagu gogol xaarayay sidii loo dhisi lahaa “nidaam hoos u dhiga xiisadda si looga fogaado dhacdooyin aan la rabin oo ka dhaca Suuriya,” sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga oo codsaday in aan la shaacin magaciisa, maadaama ay tahay siyaasad rasmi ah oo lagu ilaaliyo xogta.

“Dadaallada waxaa lagu wadi doonaa dhismaha hab lagu ilaaliyo deegaan dagaal-la’aan ah.”

Tan iyo markii uu xilka ka degay madaxweynihii hore ee Suuriya Bashar al-Assad dhammaadkii sanadkii hore, Israel iyo Turkiga ayaa ku tartamaya saameynta ay ku leeyihiin gudaha Suuriya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suuriya ayaa sheegtay in diyaarado dagaal oo Israa’iili ah ay duqeeyeen saldhig ciidan oo gudaha dalkaas ku yaalla — saldhig Turkigu la sheegay inuu damacsan yahay inuu u adeegsado ballaarinta saameyntiisa gobolka.

Israel ayaa si gaar ah uga walaacsan in hoggaanka Islaamiga ah ee cusub ee ka arriminaya Suuriya in uu khatar ku noqdo xuduudda Israel, waxayna samaysay aag nabadeed oo ku yaalla gudaha Suuriya si ay u xakameyso khatartaasi.

Doorka sii kordhaya ee Turkiga gudaha Suuriya ayaa sidoo kale walaac ku abuuray Israel, iyadoo Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu Talaadadii sheegay in saldhigyo milatari oo Turkigu ka sameeyo Suuriya ay noqon karaan “halis toos ah oo ku wajahan amniga Israel.”

Dowladda Ankara ayaa si buuxda u taageeraysa maamulka cusub ee Suuriya, kaas oo ay hoggaaminayaan kooxihii mucaaradka ahaa ee uu Turkigu taageerayay intii uu socday dagaalkii sokeeye ee socday muddo 13 sano ah. Taageeradaas ayaa sidoo kale ka mid ah howlgallo ka dhan ah kooxda Daacish.

Sarkaalka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegay in weli lagu guda jiro qorsheynta saldhig tababar oo ay wada yeeshaan Turkiga iyo Suuriya, isaga oo carrabka ku adkeeyay in dhammaan hawlahaasi lagu wado si waafaqsan sharciga caalamiga ah “iyadoo aan la beegsanaynin waddan saddexaad.”

Xafiiska Netanyahu ayaa xaqiijiyay in wadahadallo ay dhaceen Arbacadii, isagoo xusay in labada dhinac “isku afgarteen in la sii wado wadahadallada si loo ilaaliyo xasilloonida ammaanka gobolka.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa Arbacadii sheegay in Turkigu “uusan wax qorshe ah ka lahayn inuu dagaal ka bilaabo Suuriya – ha ahaato Israel ama waddan kale oo gobolka ah.” Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in Ankara “aysan indhaha ka qabsan doonin xaalad kasta oo ka dhex dilaacda gudaha Suuriya – ha ahaato fowdo, weerar ama kicin – taas oo khatar ku noqon karta amniga qaranka Turkiga.”

In kasta oo ay horey iskula shaqeyn jireen sidii lammaane istiraatiiji ah, xiriirka u dhexeeya Israel iyo Turkiga ayaa muddo dheer ahaa mid qabow, wuxuuna sii xumaaday intii uu socday dagaalka Israel iyo Xamaas ee ka socda Marinka Gaza. Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa si joogto ah u cambaareeyay dagaalkaasi, taasoo kicisay jawaabo kulul oo uga yimid madaxda Israel.

Ra’iisul Wasaare Netanyahu ayaa toddobaadkan raadinayay taageero siyaasadeed oo uga timaada saaxiibkiisa, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, isagoo ka doonayay garab uu kaga hortago Turkiga oo uu Israel u aragto inuu si isa soo taraysa u noqday dal cadaawad u haya.

Si kastaba ha ahaatee, Trump ayaa halkii uu ka garab istaagi lahaa Netanyahu, wuxuu si weyn u ammaanay Erdogan, isaga oo ku tilmaamay “ninkii la wareegay arrimaha Suuriya,” wuxuuna isku soo bandhigay inuu noqon karo dhex-dhexaadiye dhexdooda ah, isagoo Netanyahu ugu baaqay inuu “macquul noqdo” marka uu wajahayo Ankara.

ICC Abriil 11, 2025 Suudaan ayaa Khamiistii u sheegtay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) in Imaaraadka Carabta uu yahay “xoogga kaxeeya” ee ka dambeeya xasuuqa ay ka wado Darfur kooxda fallaagada ah ee dagaalka kula jirta ciidanka dowladda, taas oo ay ku eedeysay in Imaaraadku taageero siinayo.

Khartuum ayaa dacwad ka dhan ah Imaaraadka hor geysay ICJ, iyadoo ku eedeysay inuu door ku leeyahay xasuuqa lagula kacayo beesha Masalit, iyada oo la adeegsanayo taageerada loo fidiyo ciidanka Rapid Support Forces (RSF) ee dagaalka kula jiray ciidamada qaranka tan iyo 2023.

Imaaraadka ayaa si adag u beeniyay inuu taageero siiyo RSF, wuxuuna ku tilmaamay dacwadda Suudaan “riwaayad siyaasadeed” oo carqaladaynaysa dadaallada lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka ay ku dhinteen tobannaan kun oo qof.

Markii uu furayay dacwadda, wasiirka caddaaladda ku meel gaarka ah ee Suudaan, Muawia Osman, ayaa maxkamadda u sheegay in “xasuuqa socda aanu suuragal noqon lahayn la’aanta kaalmada Imaaraadka, oo ay ku jirto dirista hubka lagu taageerayo RSF.”

“Taageerada tooska ah ee Imaaraadku siiyo RSF—oo ay ku jirto sahayda hubka iyo kaalmooyin kale—waxay ahayd, welina tahay, xoogga ugu weyn ee kaxeeya xasuuqa hadda socda. Waxaa ka mid ah falal ay ka mid yihiin dil, kufsi, barakicin khasab ah, iyo dhac hantiyadeed,” ayuu yiri Osman.

Suudaan waxay maxkamadda ka codsatay in ay amarto Imaaraadka inuu joojiyo taageerada la tuhunsan yahay ee RSF, isla markaana bixiyo magdhow buuxa oo ay ku jiraan lacago la siiyo dhibbanayaasha dagaalka.

Balse Reem Ketait, oo ah mas’uul sare oo u hadashay Imaaraadka, ayaa sheegtay in dacwadda Suudaan ay tahay “adeegsi qaldan oo xad-dhaaf ah oo lagu sameeyay hay’ad caalami ah oo sumcad leh,” isla markaana ay tahay dacwad “aan wax sal ah ku lahayn sharciga ama xaqiiqada.”

“Suudaan waxa ay hadda u baahan tahay ma aha riwaayad siyaasadeed, balse waa xabbad-joojin degdeg ah iyo ballanqaad dhab ah oo labada dhinac ee dirirta ku lugta leh ay kaga go’an tahay wadahadal nabadeed,” ayay tiri Ketait oo war-saxaafadeed soo saartay.

Dacwaddan ayaa timid maalin un kaddib markii Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya ay ugu baaqeen ciidamada dowladda iyo kuwa RSF in ay dib u bilaabaan wadahadallo nabadeed oo lagu xallinayo colaadda dalka.

‘Dacwad si cad loo dhisay’

Khubarada sharciga caalamiga ah ayaa ka digay in dacwadda Suudaan ay halis ugu jirto in ay ku burburto sababo la xiriira awoodda maxkamaddu u leedahay inay dhageysato.

Markii Imaaraadka uu saxiixay Heshiiska Xasuuqa (Genocide Convention) sanadkii 2005, wuxuu ku daray reservation—ama diidmo gaar ah—oo la xiriirta qodob muhiim ah oo u oggolaanaya dowladaha xubnaha ka ah in ay is dacweeyaan ICJ.

Michael Becker, oo ah khabiir ku takhasusay sharciga caalamiga ah kana tirsan Trinity College ee Dublin, ayaa ku qoray maqaal uu u diray mareegta Opinio Juris in dacwadda Suudaan ay taabanayso “su’aalo muhiim ah.”

“Sida laga filan karo, maadaama Imaaraadku uu sameeyay reservation ku saabsan Qodobka IX markuu saxiixay heshiiska 2005, Maxkamaddu waxay u badan tahay in ay go’aamiso inaysan awood u lahayn dhageysiga murankan,” ayuu Becker qoray.

Suudaan waxay ku doodday in diidmada Imaaraadka ay si toos ah uga hor imanayso ujeeddada guud ee Heshiiska Xasuuqa, kaas oo diiradda saarayay mas’uuliyadda caalamiga ah ee ka hortagga dambiyada ugu xun ee bani’aadantinimada.

Go’aannada ICJ, oo dhageysta murannada dowladaha u dhexeeya, waa kama dambays, waana qasab in la fuliyo. Hase yeeshee, maxkamaddu ma hayso awood ay ku dhaqan geliso amarradeeda.

Tusaale ahaan, ICJ waxay horey ugu amartay Ruushka inuu joojiyo duullaanka Ukraine, balse amarkaasi lama fulin.

“Waxaan maxkamadda horteeda keennay dacwad aad iyo aad u cad,” ayuu yiri wasiir Osman isagoo la hadlayay warbaahinta hortiisa Qasriga Nabadda ee magaalada Hague, halkaas oo ay ICJ fadhigeedu yahay.

“Anaga oo aaminsan, haddii aysan jirin taageerada Imaaraadka, dhammaan xadgudubyada ka dhanka ah heshiiska xasuuqa lama arki lahayn,” ayuu ku daray.

Muqdisho Abriil 11, 2025 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, ayaa Sabtidii sheegay inuu qorsheynayo booqasho uu ku tagayo magaalada Laascaanood, oo ah caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Maamulka Khaatumo.

Safarkan ayaa noqonaya mid taariikhi ah, maadaama ay tahay markii ugu horreysay muddo ka badan nus qarni oo uu mas’uul sare booqdo magaalada istiraatiijiga ah gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ku sugan Laascaanood ayaa xaqiijiyay in booqashadu dhici doonto, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin jadwalkeeda. Waxaa hadda magaalada ku qul-qulaya wafdi horudhac u ah safarka Xamza.

Shacabka magaalada ayaa si weyn u diyaarinaya soo dhaweynta, waxaana lagu wadaa xaflad ballaaran in ay dhacdo. Wadooyinka Laascaanood waxaa durba lagu arkayaa boorarka sawirka Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo shacabka ay si weyn u muujinayaan rajadooda ku aaddan safarkan la filayo.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in safarkiisu ujeedkiisu yahay xoojinta xiriirka ka dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Khaatumo, islamarkaana aan loo fasiranin mid abuuri kara kala qeybsanaan, balse ah mid lagu doonayo midnimo Soomaaliyeed.

“Booqashadayda Laascaanood waxay salka ku haysaa xoojinta xiriirka shaqo ee ka dhexeeya maamulka Khaatumo iyo Dowladda Federaalka. Ma aha safar lagu waxyeelleynayo gobol ama maamul kale, mana aha mid lagu kala fogeynayo dadka Soomaaliyeed. Waa safar lagu mideynayo shacabka walaalaha ah,” ayuu yiri Xamza.

Wuxuu uga mahadceliyay shacabka iyo maamulka Khaatumo waddaniyadooda iyo soo dhaweynta diirran ee uu dareemay xitaa ka hor intaanu gaarin magaalada.

Khaatumo waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday madax-bannaanideeda 25-kii Agoosto 2023, kadib dagaal culus oo ay la gashay ciidamada Somaliland oo laga saaray saldhig istiraatiiji ah oo ku yaalla buuraha ku hareeraysan Laascaanood. Dagaalkaasi oo socday bilooyin ayaa sababay dhimashada boqolaal qof iyo barakaca boqolaal kale.

Booqashadii ugu dambeysay ee mas’uul sare uu ku tago Laascaanood ayaa ahayd mid dhibaato sababtay.

Dilkii madaxweyne Sharmaarke

15-kii Oktoobar 1969-kii, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cabdirashiid Cali Sharmaarke — oo sidoo kale ahaa Ra’iisul Wasaarihii ugu horreeyay ee dalka — ayaa lagu dilay Laascaanood xilli uu booqasho rasmi ah ku jiray.

Waxaa dilay askari, taas oo horseedday in xukunka laga tuuro dowladdii markaas jirtay, waxaana xukunka la wareegay taliskii milatariga ee uu hoggaaminayay Janaraal Maxamed Siyaad Barre, oo dalka xukumayay 21 sano. Ninkii dilka geystay waa la toogtay.

Waxaa markaa la fahmi karaa sababta safarka Xamsza uu durba u kiciyay dareenno kala duwan oo xooggan.

Inkasta oo dad badan oo Soomaaliyeed ay u arkaan safarka mid rajo leh, haddana waxaa jira dhaleeceyn iyo cabasho ka timid dhanka Somaliland.

Laascaanood gudaheeda, shacabka iyo mas’uuliyiinta deegaanka waxay si diirran u soo dhaweeyeen wararka ku saabsan safarka, iyaga oo caddeeyay in Khaatumo tahay maamul Soomaaliyeed oo nabad ah, oo u furan cid walba.

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta ee Maamulka Ku-meelgaarka ah ee Khaatumo, Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa xaqiijiyay in la sugayo safarka Ra’iisul Wasaaraha.

“Waxaan u diyaargarownay booqashada Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka oo la filayo inuu dhowaan yimaado magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Maamulka Khaatumo waa midka ugu nabdoon Soomaaliya. Shacabku si weyn ayay u sugayaan safarkiisa, waxayna diyaar u yihiin inay si diirran u soo dhaweeyaan,” ayuu yiri Wasiir Xijaar.

Falcelinta Hargeysa

Dhanka Hargeysa, wararka booqashada si wanaagsan looma qaadan.

Hoggaamiyeyaal iyo dad rayid ah oo hadlay waxay sheegeen in Ra’iisul Wasaaraha uusan ku soo dhaweyn karin Laascaanood, iyagoo ku eedeeyay inuu jebinayo xeerar caalami ah. Somaliland ayaa sheegata inay ka go’day Soomaaliya, inkasta oo aysan weli helin aqoonsi caalami ah.

Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, Xuseen Aadan Cigeh, ayaa ku celiyay sheegashada gooni-isu-taagga Somaliland, isagoo si adag uga hadlay safarka Xamza.

“Madax-bannaanida Somaliland iyo dawladnimadeedu waa xaq taariikhi ah oo sharciyaysan, kuna saleysan rabitaanka shacabka. Socdaalkayaga madaxbannaanida waa mid ku saleysan adkaysi, is-maamul iyo xaq,” ayuu ku qoray bartiisa X.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasin Sheekh Cali, ayaa isaguna si toos ah ula hadlay saxaafadda Talaadadii, isagoo muujiyay dareen cad.

“Waddankeena iyo xuduudihiisa waan difaacaynaa si kasta oo ay ku kacdo. Nabaddeenna yaan loo arkin tabar-darro, balse waa dulqaadkayaga. Waxaan u aragnaa booqashadaada iyo falalkaaga mid la mid ah duullaankii Vladimir Putin uu ku qaaday Crimea iyo Donbas. Taasi ma keeneyso in Ukraine aysan jirin. Haddii aad tagto Laascaanood ama Garoowe, adigaa iska leh, laakiin annaga diyaar baan u nahay inaan is difaacno si kasta oo loogu baahdo,” ayuu yiri Wasiirka.

Mowduuca ugu hadal-heynta badan

Safarka Xamza ee Laascaanood ayaa noqday mowduuca ugu weyn ee laga hadlayo guud ahaan Soomaaliya.

Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa u arka booqashada inay tahay fursad lagu soo afjari karo ajandaha muddada dheer ee gooni-isu-taagga Somaliland.

Nabiil Afrax, falanqeeye siyaasadeed oo reer Puntland ah, ayaa sheegay in booqashada Ra’iisul Wasaaraha ay leedahay muhiimad qaran, ayna saameyn ku yeelan karto midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo xaalada gobolka Sool iyo Sanaag.

“Booqashada Xamza waxay calaamad u tahay jebinta sheegashada Somaliland ee gooni-isu-taagga, waxayna ka careysiin doontaa siyaasiyiinta Hargeysa ee mabda’aas shacabka ka iibinaya. Laascaanood muddo dheer waxay ahayd meel lagu loollamo. Dad badan oo waddani ah waxay safarkan u arkaan mid lagu adkeynayo midnimada qaranka,” ayuu yiri.

Wuxuu xusay in guusha safarka ay ku xirnaan doonto sida dowladda dhexe ay ula macaamisho Maamulada Khaatumo iyo Puntland. Wuxuuna ku daray in tijaabada dhabta ah ay tahay in safarku nabad ku dhammaado.

Cabsi amni

Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha amniga ayaa muujiyay walaac la xiriira booqashada, iyagoo tilmaamay in ay xambaarsan tahay khataro siyaasad iyo amni.

“Waxaan ka walwalayaa ammaanka Ra’iisul Wasaaraha marka uu tago Laascaanood. Inkasta oo Khaatumo haatan xor tahay, Hargeysa iyo Garoowe ma ogolaan doonaan in uu booqdo dhul ay iyagu sheegtaan. Waxaa sidoo kale jira khataro kaga iman kara kooxaha sida Al-Shabaab iyo Daacish,” ayuu yiri Cabdi Cali, oo ah falanqeeye siyaasadeed.

Laascaanood waxay ku taallaa gobolka Sool, oo u dhexeeya magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe — kuwaas oo muddo dheer ku muransanaa lahaanshaha magaalada tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii.

25-kii Agoosto 2023, Laascaanood waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay tahay deegaan xor ah. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si diirran u soo dhawaysay, waxayna aqoonsatay Khaatumo inay maamulka ugu cusub ee dalka, loona diyaarinayo dowlad goboleed.

Laascaanood waa magaalo leh taariikh qoto dheer, waxaana inta badan lala xiriiriyaa halgankii gobonnimada. Waxay u dhowdahay magaalada Taleex oo ahayd xaruntii Daraawiishta uu hoggaaminayay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan — halyeygii Soomaaliyeed ee la dagaallamay gumeystihii Ingiriiska.

Jaamac Cali, darawal ka shaqeeya Laascaanood, ayaa rajo ka muujiyay safarka, wuxuuna codsaday in taallo loo dhiso halyeyga Soomaaliyeed ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.

“Waan soo dhaweyn doonnaa Ra’iisul Wasaaraha, waanan ilaalin doonnaa sidii ukumo. Haddii uu yimaado, waxaan rajaynayaa inuu taallo weyn ka dhiso bartamaha magaalada — taallo loogu magac daro Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, aabbihii halganka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Jamaac.

WARARKA MAANTA Abriil 10, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Ku Soo Dhawoow Dowlad Gobaleedka #SSCKhaatumoState Mudane Raysal Wasaare Xamsa Cabdi Barre! Maxay shacaro cusub u dhigtay Dowladda Dan-Qaran ee #Soomaaliya? Maxay Dowlad Gobaleedka #Somaliland Iyo Dowlad Gobaleedka #Puntland uga xun yihiin booqashada Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre Iyo wefdigiisa? Maxuuse Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud u amray inuu wax walba Dowlad Gobaleedka #SSCKHaatumoState? Yaa noqon kara Madaxweynaha soo socda? Yaase diidi kara inuu Madaxweyne Mudane Xassan shiikh Maxamuud uga adkaaday siyssadda #Somaliland Iyo #Puntland oo aan waxba ka duwaneyn maamulada kala ee dalka ka jira? Ha Wiqleyso! 

Muqdisho Abriil 10, 2025 Bayaan kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in uu Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre uu xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Ergada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya, Danjire Cabdalla Al-Cuteybi. Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo ururka Jaamacadda Carabta gaar ahaan dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa intii uu kulanka socday waxa uu ka hadlay guulaha waaweyn ee ay dowladdu xaqiijisay iyo fursadaha maalgashiga ee Soomaaliya ka jira ee u baahan in ay maalgashadaan dalalka Carbeed ee xubnaha ka ah ururka.

Bayaanka waxaa lagu xusay in meelaha u baahan in laga maalgashado Soomaaliya qeyb ka tahay dhinacyada Xoolaha, Beeraha, Kalluumeysiga, Tamarta, Batroolka iyo Macdanta.

Danjire Al-Otaibi, ayaa la soo qaaday Ra’iisul Wasaare Xamsa muhiimadda ay leedahay qorshe ururku wado oo lagu xoojinayo barashada bulshada Soomaaliyeed ee luuqadda Carabiga, maadaama dastruurka uu qorayo luqadda labaad ee dalka in ay tahay Carabi.

Masar Abriil 10, 2025 Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, ayaa Arbacadii wadahadallo rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, isagoo mar kale xaqiijiyay taageerada buuxda ee Masar u hayso madax-bannaanida, midnimada, iyo xasilloonida Soomaaliya, xilli xiisado siyaasadeed ay ka taagan yihiin Geeska Afrika.

Intii uu socday kulanka ka dhacay Qaahira, Abdelatty wuxuu carrabka ku adkeeyay sida ay Masar uga go’an tahay dhowrista midnimada dhuleed iyo wadajirka siyaasadeed ee Soomaaliya. Wuxuu xusay in ilaalinta midnimada dalka ay lama huraan u tahay la tacaalidda caqabadaha amni ee isa soo taraya.

Sidoo kale, wuxuu muujiyay muhiimadda iskaashi dhow oo labada dal ku dhex mara la-dagaallanka argagixisada iyo fikradaha xagjirka ah ee wiiqaya nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Abdelatty wuxuu ku baaqay in la xoojiyo dadaallada gobolka iyo beesha caalamka ee lagula tacaalayo argagixisada, isagoo carabka ku dhuftay baahida loo qabo tallaabooyin wadajir ah oo wax looga qabto sababaha salka u ah rabshadaha iyo xasillooni darrada.

Wuxuu mar kale caddeeyay in Masar ay diyaar u tahay inay garab istaagto Soomaaliya inta ay dib u dhiseyso hay’adaha dowliga ah ayna xasillooni buuxda ku soo celineyso gudaha dalka.

Labada wasiir waxay sidoo kale adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in labada dal si joogto ah uga wadashaqeeyaan arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah, gaar ahaan madalaha lagu falanqeeyo xaaladaha Geeska Afrika. Waxay si wadajir ah u ammaaneen xiriirka taariikhiga ah iyo saaxiibtinimada soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, oo salka ku haya is-dhaafsi dhaqan, siyaasadeed, iyo diimeed muddo dheer soo taxnaa.

Wadahadalladan ayaa yimid kadib heshiiskii muhiimka ahaa ee Bayaankii Ankara oo la gaaray bishii Diseembar 2024, kaasoo uu Turkigu ka dhex-dhexaadiyay Soomaaliya iyo Itoobiya. Heshiiskaas ayaa lagu xalliyay xiisad ka dhalatay heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland, kaasoo khatar geliyay xasiloonida gobolka.

Bayaanka Ankara wuxuu dhigayay in labada dhinac ay ixtiraamaan madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana loo oggolaado Itoobiya inay marin badeed ku hesho iyada oo loo marayo dowladda Soomaaliya. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid horseedi karta degganaansho ballaaran oo gobolka ah.

Masar, oo horey khilaaf ballaaran uga dhexeeyay Itoobiya arrinta Biyo-xireenka Weyn ee Webiga Nile (GERD), waxay horumarkan cusub u aragtaa mid si toos ah u taabanaya danaha istaraatiijiyadeed ee ay ku leedahay gobolka.

Taageerada Masar ay mar kale u muujisay Soomaaliya waxa ay ka tarjumaysaa in ka badan xiriir diblomaasiyadeed oo saaxiibtinimo ah—waxa ay muujinaysaa dadaal la xisaabtamay oo ay Masar ku doonayso inay xoojiso saameynteeda siyaasadeed ee Badda Cas iyo Geeska Afrika, meelahaasoo uu tartanka geostrategic-ku sii xoogeysanayo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Masar taageeradeeda joogtada ah, gaar ahaan xilliyada ay jirto hubanti la’aan siyaasadeed iyo cadaadis dibadeed. Wuxuu xusay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in la sii xoojiyo xiriirka laba-geesoodka ah ee kala dhaxeeya Masar, si wadajir loogu shaqeeyo nabadda, horumarka, iyo xasilloonida gobolka.

Kgatumo State Abriil 10, 2025  Xogo hordhac ah oo si weyn loo qarinayey, balse ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka shaqeyneyso sidii xabsiyada Laascaanood looga sii deyn lahaa maxaabiista dagaalka ee kasoo jeeda Somaliland, kuwaasoo ku jira nolol hubanti la’aan ah.

Wadahadallo badan ayay dowladda federaalka Soomaaliya arrintan kala yeelatay maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, waxaana hoosta laga xariiqay in aanay suurtagal ahayn in dad Soomaaliyeed, iyagoo maxaabiis dagaal ah, lagu hayo gudaha Jamhuuriyadda.

Inkastoo diidmo badan ay muujisay SSC — oo maxaabiis dagaal uga xiran yihiin gudaha Somaliland — isla markaana ay gorgortan adag kala hortagtay arrintan, haddana waxaa la sheegaya in lagu qanciyey in maxaabiistan laga sii daayo xabsiga.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa tilmaamaya in ay suurtagal tahay in Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu Laascaanood ka sii daayo maxaabiistii dagaalka ee ay SSC-Khaatumo ku qabsatay dagaalkii ay la galeen Somaliland, sida ay u sheegeen Caasimada Online ilo xog ogaal ah.

Ku dhowaad 300 oo maxaabiis dagaal ah — oo ay ku jiraan saraakiil sare — ayaa ku xiran magaalada Laascaanood. Waxaa la rumeysan yahay in go’aan laga gaaray sii deyntooda kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu qorsheeyey inuu booqdo magaalada.

Faysal Cabdi Bootaan, oo ahaa sarkaalkii ugu sareeyey ciidamada Somaliland ee ka dagaalamayey aagga Laascaanood ilaa saldhiggii Goojacadde ee lagu jebiyey, ayaa ka mid ah maxaabiista dagaalka ee ku xiran Laascaanood.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa lagu wadaa inuu booqdo Laascaanood Jimcaha ama Sabtida. Maanta ayaa halkaas laga dejiyey ilaaladiisa gaarka ah iyo xubno ka tirsan xafiiskiisa.

Sidoo kale, berri waxaa halkaas tegi doona mas’uuliyiin, weriyeyaal ay dowladda soo xulatay, iyo marti-sharaf kale oo lagu casuumay Laascaanood. Waxaa halkaas ka socda qabanqaabada soo dhaweynta wafdiga dowladda federaalka, halka Somaliland ay waddo hanjabaad iyo isku dayo gudaha iyo dibaddaba ah oo lagu hor istaagayo safarka ra’iisul wasaaraha.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dadaal ugu jirtaa in laga sii daayo maxaabiista Somaliland ee ku xiran Laascaanood, halka madaxda Hargeysa ay wadaan olole ay ku diiddan yihiin in Xamse Cabdi Barre booqdo magaalada. Dhankooda, dadka reer Laascaanood oo ka adkaaday Somaliland ayaa dhistay maamulka SSC-Khaatumo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo ku sugan magaalada Washington ee dalka Mareykanka, ayaa ka hadlay socdaalka la filayo in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku tago Laascaanood, isagoo sheegay inay arrintan kala hadleen dowladda Mareykanka, kuna dacweeyeen si “looga hor istaago tagitaankiisa Laascaanood.”

Wasiirka oo ka hadlayay madal lagu qabtay barta X-Space ayaa caddeeyey sida ay uga soo horjeedaan socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, isagoo sheegay inuu sababi karo dhibaato iyo xasillooni darro ku timaada gobolka.

Dhankiisa, Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin Sheekh Cali, oo wareysi siiyey BBC, ayaa sheegay in “Laascaanood ay tahay dhulka Somaliland,” isaga oo safarka Ra’iisul Wasaaraha ku tilmaamay mid daandaansi iyo xasarad abuur ah.

“Somaliland waxaa ka go’an inay difaacato xuduudaheeda, dalkeeda iyo dadkeedaba — wax kasta oo ay ku qaadato. Tani waa colaad. Waxaan u aragnaa xadgudub, jawaab uu fahmi karo waan ka bixinaynaa,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin.

Maraykanka Abriil 10, 2025 Maamulka Trump ayaa dib u bilaabay gargaar cunto oo degdeg ah oo dhan $169.8 milyan oo la siinayo Soomaaliya, isagoo ka laabtay go’aan lama filaan ah oo hakiyay gargaarkaas – arrin cabsi badan ku abuurtay hay’adaha samafalka iyo bulshada Soomaaliyeed, sida ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah oo la hadlay Reuters.

Lacagtan ayaa lagu maalgelinayaa barnaamijyo muhiim ah oo ay waddo Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP), kuwaas oo ay ka mid yihiin nafaqeynta carruurta nafaqo darradu saameysay, bixinta raashiin gargaar ah, iyo adeegyada duulimaadka degdegga ah ee bani’aadannimo.

Soomaaliya waxay ka mid ahayd dhowr dal oo si lama filaan ah loogu hakiyay gargaarka toddobaadyo ka hor, iyadoo tallaabadaasi qayb ka ahayd isbeddel ballaaran oo lagu sameeyay siyaasadda gargaarka dibadda ee Mareykanka ee Madaxweyne Donald Trump.

Go’aanka degdegga ah ee dib loogu celiyay gargaarka, wax yar un ka dib markii la hakiyay, wuxuu muujinayaa cadaadis gudaha ah oo sii kordhaya iyo jahawareer hareeyay qaabka maamulka Trump u wajahayo arrimaha gargaarka bani’aadannimo.

Sida ay sheegeen lix ilo-wareed oo arrintan si dhow ula socda, ugu yaraan lix barnaamij oo gargaar ah ayaa dib loo hawlgeliyay – oo ay ku jiraan barnaamijyada raashiinka ee Soomaaliya, Suuriya, Lubnaan, Urdun, Ciraaq iyo Ecuador.

Go’aanka dib-u-celinta ayaa lagu shaaciyay email gudaha ah oo uu diray ku-simaha ku-xigeenka aAgaasimaha USAID Jeremy Lewin, oo hore uga tirsanaa Waaxda Hufnaanta Dowladda ee uu hoggaamiyo Elon Musk.

Jahawareer gudaha ah iyo isbeddello degdeg ah oo ka jira USAID

“Waan ka xumahay isbeddelka badan ee abaalmarinnada,” ayuu Lewin ku qoray farriinta ay heshay Reuters. “Waxaa jira dhinacyo badan oo daneynaya arrimahan, waana in aan si wanaagsan u dheelitirnaa danta guud. Anigaa qaladka iska leh, mas’uuliyaddana waan aqbalayaa.”

Kooxda Stand Up for Aid, oo ka kooban saraakiil hore iyo kuwo xil haya, ayaa sheegtay in qandaraasyada WFP ee la joojiyay ee dalalka Lubnaan, Suuriya, Soomaaliya iyo Urdun ay gaareen in ka badan $463 milyan. Qaybta Soomaaliya ayaa si gaar ah ugu wajahneyd taageero loogu talagalay bulshooyin nugul oo wajahaya cunto-yari ba’an.

Reuters ayaa horey u soo tabisay in maamulka Trump uu hakiyay barnaamijyo gargaar oo ka jiray in ka badan 12 dal — oo ay ku jiraan Afgaanistaan, Yemen, Soomaaliya, iyo Suuriya — taasoo ka dhigan jaris ka badan $1.3 bilyan.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa horay ugu oggolaaday qaar ka mid ah barnaamijyadaas inay helaan ka-dhaafis miisaaniyadeed, balse barnaamijyo badan ayaa si kedis ah loo hakiyay dhammaadkii toddobaadkaas.

Hay’adaha samafalka ayaa si weyn uga walaacay arrintaas. Isniintii, WFP ayaa ka digtay in jarista gargaarka cunnada ee degdegga ah ee 14 dal ay noqon karto “xukun dil ah” oo lagu riday malaayiin qof oo durba ku nool xaalad gaajo daran.

Gargaar dibadeed oo ay la socdaan shuruudo

Wasaaradda Arrimaha Dibadda kama aysan hadlin markiiba dib-u-soo-celinta gargaarka, balse afhayeenkeeda Tammy Bruce ayaa markii dambe saxaafadda u sheegtay in maamulka Trump uu weli u heellan yahay gargaarka dibadda – inkastoo ay jiraan shuruudo.

Waxay sheegtay in Mareykanku uu hakiyay gargaarkii loogu talagalay Afgaanistaan oo ay xukumaan Taliban iyo Yemen oo ay gacanta ku hayaan Xuutiyiinta, iyadoo laga baqayo in gargaarkaasi uu u faa’iideeyo kooxaha hubeysan.

“Barnaamijyo dhowr ah ayaa si qalad ah loo joojiyay, balse hadda waa la soo celiyay oo dib ayaa loo hawlgeliyay,” ayay tiri Bruce.

Si kastaba, dhaleeceeyayaashu waxay sheegeen in isbeddellada joogtada ah ee maamulka Trump ay muujinayaan dhibaato weyn. Maamulku wuxuu si weyn u jaray miisaaniyadda USAID — hay’adda u xilsaaran maaraynta gargaarka bani’aadannimo ee Mareykanka.

Bilyaanno dollar ayaa laga jaray tan iyo markii uu Trump mar labaad xafiiska la wareegay bishii Janaayo, iyadoo go’aannadaas ay inta badan ahaayeen kuwo aan laga fiirsan oo ay hareeyeen isbeddello degdeg ah iyo jahawareer gudaha ah.

Xildhibaannada Dimuqraadiga ee Guddiga Arrimaha Dibadda ee Senate-ka ayaa warqad ay u direen Xoghayaha Rubio ku muujiyay walaac, iyagoo si adag u dhaleeceeyay qorshaha lagu doonayo in lagu hoos geeyo USAID Wasaaradda Arrimaha Dibadda, taasoo ay ku tilmaameen “mid dastuuri-darro ah, sharci-darro ah, aan caddaalad ahayn, waxyeello leh, isla markaana aan habboonayn.”

Waqtigan xaadirka ah, barnaamijyada gargaarka degdegga ah ee cunnada Soomaaliya waa la soo celiyay. Hase yeeshee, hubanti la’aanta ka taagan gargaarka Mareykanka ayaa weli jirta — iyadoo malaayiin qof ay wali ku sugan yihiin xaalad mugdi ah.

Saudi Carabiya Abriil 10, 2025  Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si ku-meelgaar ah u hakisay dhowr nooc oo fiisooyin ah oo loogu talagalay muwaadiniinta 14 dal, oo ay ka mid yihiin Masar, iyadoo ay socoto u diyaar garowga xilligii xajka.

Sida ay u xaqiijiyeen mas’uuliyiin u warramay ARY News, joojinta fiisooyinka Cumrada, ganacsiga iyo booqashada qoyska ayaa looga golleeyahay in laga hortago dadka aan iska diiwaangelin ee isku dayaya inay xajka u gutaan si sharci-darro ah.

Sanadihii la soo dhaafay, dad badan oo xajiyiin ah ayaa ku sii nagaanayay dalka kadib marka ay dhacdo muddada fiisadooda, iyagoo isku dayaya inay si qarsoodi ah uga qaybqaataan xajka. Arrintan ayaa sababtay ciriiri xad dhaaf ah iyo walaac dhanka amniga ah.

Mas’uuliyiintu waxay sidoo kale muujiyeen cabsi laga qabo in dad wata fiisooyin ganacsi ama qoys ay u beddelaan inay si sharci-darro ah uga shaqeeyaan gudaha dalka, taasoo saameyneysa suuqa shaqada isla markaana ku xad-gudbeysa shuruudaha fiisada.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ayaa sheegtay in tallaabadani ay ujeedadeedu tahay in lagu nidaamiyo habraacyada socdaalka loogana shaqeeyo badbaadada xilliga xajka. Qof kasta oo lagu helo inuu si sharci-darro ah ugu sugan yahay Boqortooyada waxaa laga yaabaa in laga mamnuuco gelitaanka dalka muddo shan sano ah.

Dalalka ay joojintu saameysay waxaa ka mid ah: Hindiya, Pakistan, Bangladesh, Masar, Indonesia, Ciraaq, Nigeria, Urdun, Aljeeriya, Suudaan, Itoobiya, Tuunis, Yemen, iyo Marooko.

Mas’uuliyiintu waxay u sheegeen ARY News in dadka haysta fiisada Cumrada ay wali geli karaan boqortooyada illaa 13-ka Abriil. Si kastaba ha ahaatee, hakinta fiisada ayaa la filayaa inay sii socoto ilaa bartamaha bisha Juun, marka uu xajku si rasmi ah u soo gabagaboobo.

In ka badan 1,000 oo qof oo ku dhintay xajka 2024

Xilliga xajka ee 2024, ugu yaraan 1,301 xaaji ayaa geeriyooday, badankoodna waxaa sababay kulaylka daran. Inta badan dadka dhintay ma haynin ruqsad xaj oo rasmi ah.

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa sheegay in ilaa 400,000 oo xaaji aan iska diiwaangelin ay ka qayb galeen xajka sanadkan, tiro badan oo ka mid ahna ay ka yimaadeen Masar.

Dal kasta waxaa loo qoondeeyaa tiro cayiman oo ruqsado xaj ah oo lagu qaybiyo nidaam cabbir iyo lotari ah. Si kastaba, sababo la xiriira kharashka sarreeya ee baakadaha xajka rasmiga ah, dad badan ayaa isku daya inay si aan sharci ahayn uga qaybqaataan xajka.

Xaajiyiin badan oo aan is diiwaangelin badanaa ma helaan adeegyo muhiim ah sida teendhooyin qabow leh, isbitaallo, ama adeegyo gurmad degdeg ah — taasoo khatar sii gelisa safarka xajka oo horeyba u ahaa mid adag oo culus.

Muqdisho Abriil 10, 2025 Dhaqdhaqaaq aan horay loo arag oo ay qabteen dayax-gacmeedyo sirdoon oo caalami ah ayaa laga dareemay xeebaha Soomaaliya, taas oo dhalisay walaac sii kordhaya oo ku saabsan barnaamijka hawada sare ee Turkiga ee si xawli ah u kobcaya.

Sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday Intelligence Online, oo ah hay’ad sirdoon oo fadhigeedu yahay Faransiiska, dayax-gacmeedyo casri ah oo ay leeyihiin shirkadda Maraykanka ah ee Maxar, kooxda Faransiiska ah ee Airbus Defence and Space, iyo shirkadda Shiinaha ee Changguang Satellite Technology, ayaa si joogto ah ula socday laba goobood oo gaar ah oo ku yaalla gudaha Soomaaliya.

“Tirada badan ee sawirrada la qaaday” ayaa si cad u muujinaysa in dadaal xooggan lagu bixinayo la socodka dhaqdhaqaaqyada ka dhacaya goobahaas.

Falanqaynta Intelligence Online ayaa tilmaamaysa in mid ka mid ah goobahaas, oo ku taalla xeebta magaalada Kismaayo, loo maleynayo inuu yahay saldhig sahayda lagu kaydiyo.

Goobta labaad, oo ku taalla meel ku bannaanka Jamaame ee dhanka koonfur-bari balse xigta dhinaca xeebta, ayaa loo arkaa inay tahay halka laga dhisayo saldhigga hawada sare ee Turkiga – mashruuc uu Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ku dhawaaqay bishii November ee la soo dhaafay.

Inkasta oo dowladdu ay dhowr toddobaad kadib si rasmi ah u xaqiijisay mashruuca, haddana lama sheegin faahfaahin ku saabsan halka ama goorta la dhisayo saldhigga. Intelligence Online waxay rumaysan tahay in kormeerayaashan caalamiga ah ay haatan iyagu si gaar ah u ogaadeen xogtaas.

Jamaame oo si gaar ah loola socdo

Kormeerka xooggan ee dayax-gacmeedyada caalamiga ah ay si gaar ah u diiradda saareen bannaanada Jamaame ayaa si weyn u muujinaya in halkaasi ay tahay goobta loo asteeyay saldhigga hawada sare ee Turkiga. Tani waxay la jaanqaadaysaa hadalkii Madaxweyne Erdoğan, waxayna dhalinaysaa su’aalo muhiim ah oo la xiriira saameynta istiraatiijiyadeed ee xarun noocaas ah ku yeelan karto Geeska Afrika oo ah gobol xasaasi ah.

Daba-galka joogtada ah ee ay sameeyeen quwadaha waaweyn ee dunida ayaa muujinaya heerka walaaca ay ka qabaan waxa Turkigu ka wado gobolka, iyo sida ay ugu baahan yihiin in si dhab ah loo fahmo ujeedada iyo qorshihiisa dhabta ah ee mashruuca.

Saldhigga dayax-gacmeedka ka sokow, Intelligence Online waxay sheegtay in yoolalka istiraatiijiyadeed ee Turkiga ay sidoo kale ku wajahanyihiin horumarinta awoodda difaaca. Sida lagu sheegay xogtii hore, Ankara waxay muujisay inay dooneyso saldhig madax-bannaan oo dayax-gacmeedyo laga tuuro oo ku dhow dhul-baraha.

Iyadoo Soomaaliya ay leedahay “muuqaal si toos ah ugu furan Badweynta Hindiya,” warbixintu waxay tilmaamaysaa in dalka uu yahay “goob istiraatiiji ah” oo ku habboon saldhig noocaas ah. Qorshahan ayaa la mid ah kan Talyaaniga oo raba inuu dib u furo saldhiggiisii hore ee Kenya, iyo xiisaha Sacuudigu ka qabo saldhigga Duqm ee dalka Cumaan.

Sidoo kale, warbixintu waxay xustay in Turkigu “uusan ku koobnayn oo keliya dhismaha saldhigga dayax-gacmeedka.” Ankara waxay sidoo kale raadineysaa “goob ku habboon oo ay ka dhisto xarun lagu tijaabiyo gantaallo waaweyn oo masaafado fog fog u duula.”

Dhismaha juqraafiyeed ee Turkiga ayaa ka dhigaya tijaabooyinkaasi kuwo adag in la sameeyo – waxaana si fudud ula socon kara quwado kale – maadaama gantaalladu ay u duuli karaan dhanka Badda Midhiterranean ama Badda Madow.

Dhanka kale, dhulka baaxadda leh ee Soomaaliya oo dad yari ku nool yihiin ayaa bixinaya jawi aad u habboon oo lagu sameeyo tijaabooyin noocaas ah, iyada oo laga fogaado meelaha si weyn loo deggan yahay, isla markaana laga yaabo inay yaraato indho-indheynta caalamiga ah marka la joogo marxaladaha ugu muhiimsan ee tijaabada.

WARARKA MAANTA Abriil 9, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa burubiyey beentii Iyo rubaayadii Maamulka #Somaliland? Yaa u diidi kara inuu Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre inoo soo booqdo #SSCKhaatumo State? Yaa baabi’yey Ciidanka Xoogga Dalka #Soomaaliyeed? Maxay diidi karaa inuu Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre soo booqdo Dowlad Gobaleedka #SSKhaatumoState? Yaa diiday Midnimadda Ummadda #Soomaaliyeed? Maxaa ka oohiyey Maamulka #Somaliland?  Maxuu u caddeeyey inuu Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre soo booqan doono Dowlad Gobaleedka #SSCKhaatumoState? Maxay Dowlad Gobaleedka #Somaliland Iyo Dowlad Gobaleedka #Puntland uga xun yihiin booqashada Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre ee #KhaatumoState? Yaase loo diiday lacagtii uu dadweynaha ka dhacay? Yaase iska leh lacagtay lagu xanibay #Switzerland? Maxayse beesha caalamka u jareen dhaqaalihii ay #Soomaaliya siin jireen? Yaa diiday inuu sameeyo #Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Foociye”? Yaa diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Foociye”? Yaa lacagtii dalka laga dhacay u soo diiday Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Foociye”?  Ha Wiqleyso! 

Muqdisho Abriil 9, 2025 Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka, saddexdii sano ee u dambaysay, ay u gacan galeen shirqool uu dal carbeed soo maleegay. Fahad Yaasiin waxa uu tilmaamay in shirqoolkaasi ay fuliye ka noqdeen laba qof oo si toos ah xilal uga soo qabtay xafiisyo awood u siinaya iney hirgaliyaan qorshaha shisheeyaha, waxayna adeegsadeen habab arxan darro ah.

Waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday Taariikhda Ciidanka Xoogga Dalka intii ay jireen, dhibaatada ay u geesteen ciidanka qaranka labadaas qof, waligeed mid lamid ah in aysan soo marin.

“Shacabka Soomaaliyeed waxay mudan yihiin iney helaan sharraxaad qeexaysa nooca shirqool ee loo dhigay Ciidanka Xoogga, Labadaas, mid kamid ah wuxuuba ahaa laba kaarle, oo hal qorshe ayuu ugu adeegayey shisheeye iyo Shabaab oo isku ajande ah, balse kala hadaf ah” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

“Midkood, shisheeyuhu waxay ku guuleesteen iney xilka Wasaaradda u dhiibaan xiligii Madaxweynihii hore, waxayse ku fashilmeen fulinta shirqoolkoodii, Nasiib darro, isla Wasaaraddii ayaa lagu soo celiyey, si uu u fuliyo qorshihii. Midka kalena, xilka ugu sarreeya Xoogga Dalka ayuu qabtay, oo Madaxweynaha jooga ayaa u dhiibay” ayuu qoraalkiisa kusoo gaba gabeeyay.

Muqdisho Abriil 9, 2025 Dadaallada Soomaaliya ee lagu dhammeystirayo Dastuurka ku-meel-gaarka ah ayaa halis ugu jira in ay istaagaan, iyadoo ay sabab u yihiin saameynta weli xooggan ee nidaamka ku saleysan qabiilka iyo kalsooni-darrada ka jirta hay’adaha rasmiga ah ee dowliga ah, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda International IDEA toddobaadkan. Daraasadda, oo lagu eegay habka maamul ee Galmudug iyo Hirshabelle—labada dowlad-goboleed ee ugu nugul Soomaaliya—ayaa muujisay in odayaasha dhaqanka, xeerarka caadiga ah, iyo heshiisyada awood-qaybsiga ee aan sharciyeysneyn ay weli door ka weyn ka ciyaarayaan qaab-dhismeedka siyaasadeed marka la barbar dhigo sharciyada heer qaran ama federaal. Inkasta oo ay jiraan hannaan sharciyeed oo loogu talagalay mideynta maamulada hoose, haddana xaqiiqada dhabta ah ayaa ah in go’aamada muhiimka ah lagu gaaro wadaxaajoodyo qabiil iyo heshiisyo ku-meelgaar ah.

“Xeerarka dhaqanka iyo siyaasadda qabiilka ayaa si weyn u hagaya sida maamulka deegaanka u shaqeeyo,” ayay qoreen Winluck Wahiu iyo Adem Kassie Abebe, oo qoray warbixinta. “Sharciyada rasmiga ah wali si buuxda looguma dhaqmo qaybo badan oo dalka ah.”Warbixinta ayaa soo baxday iyadoo uu cirka isku shareerayo khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada. Bishii Maarso, baarlamaanka federaalka ayaa ansixiyay wax-ka-beddel lagu sameeyay dastuurka, si dalka loogu wareejiyo nidaamka madaxweyneyaasha. Puntland, oo ah mid ka mid ah gobollada ugu xasilloon, ayaa diiday tallaabadan, waxayna xiriirka u jartay dowladda dhexe, iyagoo ku eedeeyay inay si kali-talisnimo ah u dhaqmeyso.Inkasta oo madaxda dowladda dhexe ay taageerayaan federaaleynta iyo dib-u-habaynta dastuurka, warbixintu waxay muujineysaa in dadaalladaas ay carqaladeeyaan is-diiddooyinka ka dhex jira awoodaha hoose.Galmudug gudaheeda, golayaasha degmooyinka waxaa inta badan lagu dhisaa heshiisyo qabiil halkii ay ka ahaan lahaayeen kuwo laga soo doorto doorashooyin. Sidoo kale, xuduudaha degmooyinka ayaa loo beddelay si waafaqsan danaha siyaasadeed ee beelaha halkii laga raaci lahaa shuruucda ama nidaamka maamulka, taasoo dhalisay walaac ah in la musuqmaasuqo matalaadda ka hor doorashooyinka guud ee soo socda.

Hirshabelle oo wajaheysa caqabado maamul oo adag

Dowlad-goboleedka Hirshabelle, oo la dhisay 2016, ayaa la tacaalaysa dhibaatooyin maamul oo sii murugsan. Khilaafaadka beelaha, jiritaanka kooxo hubeysan, iyo ilaha dhaqaale oo kooban ayaa curyaamiyay awoodda dowladda. Inta badan degmooyinka gobolkaasi waxay u shaqeeyaan si madaxbannaan ama waxa maamula Al-Shabaab. Inkasta oo Hirshabelle ay 2018 ansixisay sharci dowladeed oo dib loogu soo celinayo golayaasha degmooyinka, haddana waxaa yar degmooyin si hufan u dhaqan geliyay sharcigaas.

Warbixinta waxay sidoo kale muujisay in mas’uuliyiinta heer federaal iyo dowlad-goboleed ay marar badan hareer maraan sharciga si ay u saameeyaan habka loo magacaabo hoggaanka degmooyinka.

Tallaabooyinkaas waxaa lagu wajahaa odayaasha dhaqanka oo loo adeegsado sidii albaab laga soo galo awoodda. Dhankooda, odayaasha beeluhu waxay isku dayaan inay xilal u helaan xubnaha beelahooda, taasoo abuureysa nidaam siyaasadeed oo ku dhisan is-xulafeysi iyo hay’ado daciif ah.

“Mas’uuliyiinta heer dowladeed iyo heer federaal waxay farageliyaan maamulka hoose si ay u dhisaan xulafo siyaasadeed halkii ay ka dhisi lahaayeen hay’ado dowladeed,” ayay warbixintu xustay. “Tani waxay dhaawacaysaa madax-bannaanida iyo sumcadda golayaasha deegaanka.”

Dastuurka oo wali aan la dhammeystirin

Soomaaliya waxay ansixisay dastuurka ku-meel gaarka ah sanadkii 2012 kadib wada-tashi dheer oo qaran. Inkasta oo uu ahaa dukumenti ku-meelgaar ah, weli lama marin afti qaran mana dhammaan. Golaha Wadatashiga Qaranka—oo ka kooban madaxda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada—ayaa horey isugu raacay qodobo muhiim ah sida awood-qaybsiga iyo qaab-dhismeedka amniga. Si kastaba, horumarka dhabta ah ee lagu gaarey dhammeystirka dastuurka ayaa ahaa mid gaabis ah oo muran siyaasadeed hareeyay.

Qaabka dowladnimo ee Soomaaliya waxaa si rasmi ah u kala qeexaya laba heer: dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada. Maamulada hoose waa in ay hoos yimaadaan dowlad-goboleedyada, hase yeeshee Sharciga Maamulka Hoose ee 2013 iyo qorsheyaal kale oo xigay sida Qorshaha Wadajir ayaa lagu doonayay in la mideeyo tilmaamaha guud ee maamulka degmooyinka, oo ay ka mid yihiin canshuuraha, dhismaha golayaasha, iyo bixinta adeegyada.

Warbixintu waxay muujisay in hannaanadan loo hirgeliyay si aan joogto ahayn. Xaqiiqda dhabta ah waxay tahay in beelaha, maxkamadaha shareecada, iyo heshiisyada deegaanka ay weli yihiin dariiqyada ugu muhiimsan ee lagu xalliyo khilaafaadka, lagu qaybiyo kheyraadka, iyo lagu magacaabo mas’uuliyiinta deegaanka, gaar ahaan meelaha miyiga ah iyo degmooyinka yaryar.

Galmudug iyo Hirshabelle gudaheeda, degmooyinka cusub ayaa inta badan aan lahayn xuduudo cad iyo awood maamul oo muuqata. Halkii laga dooran lahaa golayaal deegaanka, waxaa badanaa lagu magacaabaa iyada oo la adeegsanaayo wasaaradaha dowlad-goboleedyada ama odayaasha dhaqanka, iyadoo lagu saleeyo awood-qaybsiga beelaha. Tani waxay dhalisaa muran ku saabsan matalaadda beelaha, waxayna dib u dhigtaa hawlgalka dowladnimo, halka ay sidoo kale dhaawacdo kalsoonida shacabka.

“Xalalka ku saleysan qabiilka waxay bixiyaan dabacsanaan siyaasadeed, balse sidoo kale waxay dhaliyaan xasillooni darro joogto ah,” ayay qorayaashu sheegeen. “Iyadoo aan la dhisin saldhig sharciyeed adag iyo ka-qaybgal bulsho oo ballaaran, golayaasha deegaanka waxay weli u nugul yihiin in si gaar ah loo adeegsado.”

Talooyin: La shaqeynta dhaqanka iyo dib-u-habayn

Warbixinta waxay ku talinaysaa in hay’adaha dowladda Soomaaliya ay si xeel-dheer ula shaqeeyaan nidaamyada dhaqanka, halkii ay isku dayi lahaayeen in gabi ahaanba la beddelo. Waxay ku baaqeysaa in dib-u-habaynta dastuurka laga bilaabo heer hoose, iyadoo la aqoonsanayo adkeysiga nidaamyada dhaqanka iyo diinta, lana ballaariyo helitaanka adeegyada iyo isla xisaabtanka.

Sidoo kale, qorayaashu waxay carrabka ku adkeeyaan muhiimadda ay leedahay in haweenka iyo dhallinyarada si ballaaran loogu daro maamulka hoose, ayna jirto baahi weyn oo loo qabo in la caddeeyo nidaamka wax-qaybsiga dakhliga ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada. Waqtigan xaadirka ah, maamulada degmooyinka badankood ma haystaan dhaqaale ku filan ama sharci cad oo hagaya shaqadooda.

Soomaaliya waxay gaartay horumar la taaban karo 20-kii sano ee la soo dhaafay, oo ay ka mid yihiin dhismaha shan dowlad-goboleed iyo baarlamaan federaal ah. Si kastaba, warbixintu waxay uga digeysaa in haddii aan si dhab ah loo wajahin xaqiiqooyinka ka jira heerarka hoose ee dowladnimo, ay jirto halis ah in siyaasadda dalka ay sii kala fogaato.

“Dastuurka Soomaaliya waa in lagu dhisaa kaliya ma ahan Muqdisho, balse sidoo kale laga dhisaa degmooyinka iyo tuulooyinka ay shacabka si toos ah ugu nool yihiin maamulka,” ayay warbixintu ku soo gabagabeysay.

Muqdisho Abriil 9, 2025 Ahmed Odowaa, oo ahaa magangelyo-doon la diiday, ayaa la sheegay in loo sheegay in masaafurintiisu dhow dahay. Balse hadda, mas’uuliyiinta gobolka Bavaria ee dalka Jarmalka ayaa shaaciyay in uu sii joogi karo dalka – ugu yaraan si ku-meelgaar ah.

Odowaa, oo u dhashay Soomaaliya, ayaa la sheegay in uu ka hortagay nin mindi ku hubaysnaa oo 22-kii Janaayo dad ku weeraray jardiin ku taalla magaalada Aschaffenburg. Sida uu sheegay Joachim Herrmann, wasiirka arrimaha gudaha ee Bavaria – gobolka uu dhacayo Aschaffenburg – Odowaa hadda ma wajahayo masaafurin loogu qaado Talyaaniga.

Hadalkii Herrmann ee fiidnimadii Isniintii (7-da Abriil) ayaa si cad uga hor yimid warar hore oo saxaafaddu baahisay kuwaasoo sheegayay in Odowaa, oo 30 jir ah, laga saari doono Jarmalka xagaaga.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Bavaria ayaa xaqiijisay in Odowaa uu yahay markhaati muhiim ah oo ku lug leh dacwadda ciqaabeed ee socota ee lala xiriirinayo eedeysanaha weerarka Aschaffenburg. Sidaas darteed, joogitaankiisa Jarmalka ayaa si sharci ah loo “ogolaaday”.

Wasiir Herrmann ayaa sidoo kale ammaanay doorkii geesinimada lahaa ee Odowaa, isagoo sheegay in “adeeggiisa lama filaanka ah ee uu u qabtay Aschaffenburg iyo Bavaria uu mudan yahay aqoonsi iyo ixtiraam buuxa.”

Faah-faahinta weerarka

22-kii Janaayo, Odowaa wuxuu ku sugnaa jardiin ku taalla Aschaffenburg markii uu arkay nin 28-jir u dhashay Afghanistan oo midi jiko ku weeraraya koox caruur ah. Ilmo labo jir ah ayaa ku dhintay, dhowr kalena si daran ayaa loo dhaawacay. Nin 41-jir ah oo isku dayay inuu carruurta difaaco ayaa isna lagu dilay weerarka.

Markii ninka la tuhunsan yahay uu baxsaday, Odowaa iyo dad kale ayaa daba galay, waxayna booliiska u sheegeen halka uu ku sugan yahay, taasoo sahashay in si degdeg ah loo qabto.

Warar xilligii la xirayay ninkaasi la helay ayaa muujinayay inuu lahaa dabeecado rabshado wata, isla markaana uu markaas ku jiray daaweyn dhimirka ah. Sidoo kale, waxaa la sheegay in la qorsheeyay in dalka laga saaro dabayaaqadii sannadkii hore.

Odowaa ayaa helay ammaan ballaaran oo ku saabsan tallaabadiisii geesinimada lahayd. Marka laga reebo Wasiir Herrmann, Ra’iisul Wasaaraha Bavaria Markus Söder ayaa sidoo kale si qoraal ah ugu mahadceliyay Odowaa, isaga oo ku tilmaamay “tusaale la taaban karo oo muujinaya geesinimo bulsho” isla markaana xusay in uu “muujiyay adkaysi iyo dhiiranaan aan caadi ahayn.”

Warbaahinta deegaanka ee Main Echo ayaa sheegtay in Odowaa la gudoonsiin doono bilad uu si rasmi ah uga helayo Söder bisha Maajo, taasoo lagu maamuusayo dadaalkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, Odowaa ayaa isla warbaahintaasi u sheegay in uu ka helay xafiiska ajaanibta warqad amaraysa in uu dalka ka baxo ugu dambayn 8-da Luulyo. Arrintaas darteed, laba qof ayaa bilaabay olole saxiixyo lagu ururinayo iyagoo adeegsanaya mareegta change.org si loo joojiyo masaafurintiisa. Ilaa waqtigii warbixintu soo bixi lahayd, in ka badan 60,000 oo qof ayaa saxiixay codsigaasi.

Xaaladdiisa sharci

Wasiir Herrmann ayaa sheegay in Odowaa hore loogu aqoonsaday qaxooti dalka Talyaaniga. Si kastaba, wuxuu haddana u soo safray Jarmalka horraantii 2024 si uu mar kale uga codsado magangelyo, balse codsigiisa ayaa la diiday isla sanadkaas. Racfaan uu ka qaaday go’aankaasi isna wuu guuldarreystay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dpa.

Herrmann ayaa sharaxay in “arrintaasi aanay waafaqsanayn shuruucda Yurub iyo kuwa Jarmalka ee hadda jira.” Wuxuu tilmaamay nidaamka loo yaqaan Dublin Procedure, oo dhigaya in qofka magangelyo doonka ah aanu mar kale codsan karin magangelyo waddan kale oo Midowga Yurub ka tirsan, haddii horey waddan kale loogu aqoonsaday.

Nidaamkan ayaa ku saleysan fikradda ah in qofka magangelyo-doonka ah uu codsigooda ka gudbiyo waddankii ugu horreeyay ee uu kaga dego Midowga Yurub.

Muqdisho Abriil 9, 2025 Dowladda Soomaaliya ayaa isku dayeysa in ay si weyn u xoojiso awoodda ciidamadeeda milatari, iyadoo la sheegay in ay xiisaynayso inay ka iibsato Turkiga diyaaradda qumaatiga u kaca ee weerarka ah ee T-129 ATAK.

Wadahadallo arrintan la xiriira oo socda ayaa muujinaya iskaashi difaaceed oo sii xoogeysanaya oo u dhexeeya labada dal, iyo dadaalka Soomaaliya ee ay ku doonayso inay ciidamadeeda ku qalabeyso hub casri ah si ay ugu guuleysato dagaalka ay kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Inkasta oo heshiiskaan aan weli si rasmi ah loo shaacin, suurta-galnimada in la helo diyaaraddan awoodda badan ee ATAK ayaa laga yaabaa inay si weyn u beddesho xaaladda amni ee dalka. Qoraalkani wuxuu sharxayaa waxa ay tahay diyaaradda T-129 ATAK iyo sababta ay ugu noqon karto qalab wax ka beddeli kara awoodda ciidan ee Soomaaliya.

WARARKA MAANTA Abriil 8, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxay diidi karaa inuu Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre soo booqdo Dowlad Gobaleedka #SSKhaatumoState? Yaa diiday Midnimadda Ummadda #Soomaaliyeed? Maxaa ka oohiyey Maamulka #Somaliland?  Maxuu u caddeeyey inuu Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre soo booqan doono Dowlad Gobaleedka #SSCKhaatumoState? Maxay Dowlad Gobaleedka #Somaliland Iyo Dowlad Gobaleedka #Puntland uga xun yihiin booqashada Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre ee #KhaatumoState? Yaase loo diiday lacagtii uu dadweynaha ka dhacay? Yaase iska leh lacagtay lagu xanibay #Switzerland? Maxayse beesha caalamka u jareen dhaqaalihii ay #Soomaaliya siin jireen? Yaa diiday inuu sameeyo #Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Foociye”? Yaa diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Foociye”? Yaa lacagtii dalka laga dhacay u soo diiday Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Foociye”?  Ha Wiqleyso! 

Muqdisho Abriil 8, 2025 Raysal Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyay shir looga hadlaayay dhaqan gelinta adeegsiga aqoonsiga Qaranka, isku xirka aqoonsiga iyo adeegyada muhiimka ah ee ay isticmaalaan dadweynaha.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa amray hay’adaha dowladda ee bixiya adeegyada muhiimka ah iney muwaadiniinta Soomaaliyeed ku xiraan aqoonsiga qaranka, isagoona xusay in talaabadaasi ay meesha ka saarayso in ka badan 34 sano oo ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ahaayeen aqoonsi la’aan.

“In muwaadiniinta Soomaaliyeed lagu xiro adeegsiga aqoonsiga qaranka waana arrin wax weyn ka tari doonta amniga guud ee dalka, gaar ahaan kan caasimadda Muqdisho” ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Wuxuu sidoo kale xusay Raysal wasaaraha in la sameeyey dhamaan shuruucdii iyo hageyaashii kale ee saldhigga u ahaa ilaalinta xogta muwaadiniinta, islamarkaana xukuumaddiisa ay balan qaadayso in dadweynaha la diiwaan geliyo oo aqoonsi la siinaayo.

“Adeegsiga aqoonsiga Qaranka Waa fursad horumarineed oo saldhig u ah dhamaan qorsheyaasha kale ee dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda, amniga iyo in Soomaaliya ay noqoto tusaale horumarineed oo gobolka iyo caalamkaba looga daydo” ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse.

Ugu dambeyntii hay’adda diiwaan gelinta iyo Aqoonsiga dadweynaha (NIRA) ayaa mudooyinkii dambe waday bixinta kaarka aqoonsiga qaranka, kaasoo muhiim u ah sugnaanta qof ahaaneed iyo xaqiijinta amniga, iyadoo qaar ka mid ah gobolada dalka ka hirgalisay xarumo loogu adeegayo dadka Soomaaliyeed.

Somaliland Abriil 8, 2025 Tan iyo markii uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, shaaciyey inuu tegayo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxaa si adag uga hor yimid maamulka Somaliland oo horey u lumiyay gobolkaas.

Somaliland, oo wacad ku martay inuu Ra’iisul Wasaare Xamse ka qoomameyn doono booqashadiisa Laascaanood, ayaa haatan bilowday qorshe weerar ah oo saddex jiho ah, kaasi oo ay ku qaadeyso magaaladaasi.

Qorshaha weerarka saddexda jiho

Taliyaha guud ee ciidamada Somaliland, General Nimcaan Yuusuf Gaax-nuug, ayaa haatan booqasho ku jooga jiidda hore ee deegaanka Oog, oo ku yaalla gobolka Sool. Taliyaha ayaa halkaasi kulan degdeg ah kula yeeshay saraakiisha sare ee ciidamada Somaliland, waxaana kulankaasi si rasmi ah looga shaacin warbaahinta.

Shirka ayaa ka dhacay saldhigga taliska ciidamada ee ku yaalla Oog, waxaana la sheegay in kulankaasi lagu falanqeeyay xaaladda amni ee gobolka iyo suurtagalnimada jawaab ciidan oo laga bixiyo safarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee Laascaanood.

Ilo wareedyo amni oo si hoose ula socda dhaqdhaqaaqyada ciidamada ayaa sheegay in ujeeddada ugu weyn ee kulankaasi ahayd in la qiimeeyo tallaabo militari oo looga jawaabo safarka Ra’iisul Wasaaraha, taasoo la rumeysan yahay inay farriin siyaasadeed u ahayd maamulka Somaliland.

Saraakiisha ciidamada ayaa kulankooda ku lafa-guray in safarka Ra’iisul Wasaaraha ee Laascaanood uu qayb ka yahay dadaallada lagu muujinayo in SSC-Khaatumo ay tahay dhul ka madax-bannaan maamulka Somaliland, taasoo horseedi karta xaalad dagaal oo hor leh.

Waxaa la go’aamiyey in lagu beegsado safarka Ra’iisul Wasaaraha weerar saddex jiho ah, kaas oo ciidamada Somaliland ay qorsheeyeen inay kaga furaan dagaal deegaannada ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada SSC-Khaatumo. Ujeeddada weerarkan ayaa ah in la muujiyo awood ciidan iyo in laga hortago xoojinta SSC

Saddexda jiho ee la qorsheeyey in weerarka laga bilaabo waxay kala yihiin: Buqdharkayn, Qorilugud, iyo Ceerigaabo, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo muhiim ah.

Waa markii ugu horreysay ee ciidamada Somaliland ay isku mar dagaal ka furaan saddexdan jiho, iyadoo qorshaha la dejiyey uu yahay mid si weyn loo abaabulay.

Furinta Buqdharkayn ayaa muhiimad gaar ah u leh dagaalka, maadaama ay tahay meel istiraatiiji ah oo u dhow Laascaanood, halka Qorilugud iyo Ceerigaabo ay ka mid yihiin meelaha ay ciidamada Somaliland doonayaan inay cadaadis ka saaraan SSC-Khaatumo.

Xogaha ayaa intaas ku daraya in shirarka noocan oo kale ah ay sii socon doonaan maalmaha soo socda, iyadoo la filayo in xaaladda gobolka Sool ay markale gasho marxalad colaadeed oo cusub.

Ankara Abriil 8, 2025 Wararka dhowaan soo baxay ee sheegaya in Turkigu qorsheynayo inuu Soomaaliya u diro unug ka tirsan shirkadda gaarka loo leeyahay ee milatari ee SADAT ayaa si weyn u soo jiitay indhaha bulshada Soomaaliyeed. Si loo fahmo doorka iyo muhiimadda ururkan, waxaan halkan hoose faah-faahinaynaa xog ku saabsan SADAT. 

Waa ayo SADAT?

SADAT International Defense Consultancy (Uluslararası Savunma Danışmanlık Şirketi) waa shirkaddii ugu horreysay ee milatari oo gaar loo leeyahay ee laga aas-aaso Turkiga. Waxaa lagu aas-aasay sannadkii 2012 magaalada Istanbul, waxaana dhisay Adnan Tanrıverdi, jeneraal sare oo howlgab ka noqday Ciidanka Qalabka Sida ee Turkiga.

Doorka SADAT ee Soomaaliya

Warbixin cusub ayaa muujisay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu si rasmi ah uga codsaday Turkiga taageero milatari, taasoo horseeday qorshe suuragal ah oo ku saabsan in ciidamada SADAT loo diro si ay uga hortagaan kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan gobolka istiraatiijiga ah ee dooxada Shabeelle.

Ujeeddooyinka howlgalkan ayaa ah in la sugo amniga magaalooyinka iyo deegaannada muhiimka ah, isla markaana lagu xasiliyo gobolkaasi oo ay hareeyeen rabshado. Tallaabadan ayaa sidoo kale la jaanqaadaysa qorshayaasha ballaaran ee istiraatiijiga ah ee Turkiga, oo ay ka mid tahay dhisidda xarun tijaabo loogu sameeyo gantaallada masaafada dheer oo laga dhisi karo gobolka Shabeellaha Dhexe.

Turkigu waxa uu muddo toban sano ka badan xiriir dhow la lahaa Soomaaliya, isagoo sameeyay barnaamijyo tababar milatari ah, maalgelin kaabayaal dhaqaale ah, iyo taageero dhaqaale oo muuqata.

Saldhigga milatari ee Turkigu ku leeyahay Muqdisho ayaa ah mid ka mid ah xarumaha milatari ee shisheeye ee ugu ballaaran gudaha dalka, taasoo muujinaysa doorka uu Ankara ka ciyaarayo dhismaha nidaamka amniga Soomaaliya. Haddii SADAT si rasmi ah loogu daabulo gudaha dalka, waxay noqonaysaa horumar cusub oo muhiim ah oo ku saabsan xiriirka labada dal.

Is-barbardhigga kooxda Wagner

SADAT ayaa si isa soo taraysa loogu barbardhigayaa kooxda Wagner ee Ruushka (oo hadda loo yaqaan “Africa Corps”), sababo la xiriira hawlaha ay kaga jirto howlgalada suurtagalka ah ee qarsoodiga ah iyo doorka ay ka qaadato danaha istiraatiijiga ah ee Turkiga.

Sida Wagner ay ugu adeegto danaha Ruushka, SADAT waxay u noqon kartaa Turkiga aalad u suurtagelisa inuu saameyn ku yeesho siyaasadda dibadda isaga oo aan si toos ah ugu lug yeelan. Si kastaba, falanqeeyayaal ayaa tilmaamaya in labada koox ay ku kala duwan yihiin dhinaca ideolojiyadda, iyadoo SADAT lagu tilmaamay mid leh ajande Islaami ah oo muuqda.

SADAT waxay wajahday eedeymo iyo muran kala duwan, gaar ahaan kuwa ka imanaya dhaliilayaasha xisbiga talada haya ee AKP, kuwaasoo ku eedeeyay inay u shaqeyso sidii ciidan gaar ah oo daacad u ah Madaxweyne Erdoğan. Waxaa sidoo kale si joogto ah loola xiriiriyay inay si dhow ula shaqeyso hay’adaha sirdoonka Turkiga.

Qorshaha suuragalka ah ee ku saabsan dirista SADAT gudaha Soomaaliya waxa uu dhalinayaa su’aalo muhiim ah oo la xiriira isbeddelka ka socda xagga ammaanka Geeska Afrika. Inkastoo dowladda Soomaaliya si wanaagsan u qaabishay taageerada Ankara, haddana waddamo kale oo gobolka iyo caalamkaba ah waxay arrintan u arki karaan mid cabsi gelin leh.

Isticmaalka shirkado milatari oo gaar loo leeyahay oo qeyb ka ah siyaasadda arrimaha dibadda waxay sidoo kale kor u qaadi kartaa tartanka u dhexeeya quwadaha shisheeye ee doonaya inay saameyn ku yeeshaan gobolka istiraatiijiga ah.

Waddamada Reer Galbeedka ayaa si dhow ula socon doona dhaq-dhaqaaqyada SADAT, maadaama ay jiraan walaacyo ku saabsan daah-furnaanta iyo isla xisaabtanka shirkadaha milatari ee gaarka loo leeyahay, iyo sida ay ula jaanqaadayaan danaha juqraafiyeed ee dowladaha ay matalaan.

SADAT waxa ay mataleysaa aalad muhiim ah oo uu Turkigu uga faa’iideysto siyaasadda difaaca iyo arrimaha dibadda, gaar ahaan meelaha uu Ankara doonayo inuu saameyn ka yeesho.

Ku lug lahaanshaha suurtagalka ah ee Soomaaliya waxa uu muujinayaa qoto-dheeraanta iskaashiga amni ee u dhexeeya labada dal, wuxuuna yeelan karaa saameyn ballaaran oo ku saabsan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo xasilloonida guud ee Geeska Afrika.

WARARKA MAANTA Abriil 7, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxuu u caddeeyey inuu Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre soo booqan doono Dowlad Gobaleedka #SSCKhaatumoState? Maxay Dowlad Gobaleedka #Somaliland Iyo Dowlad Gobaleedka #Puntland uga xun yihiin booqashada Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre ee #KhaatumoState? Yaase loo diiday lacagtii uu dadweynaha ka dhacay? Yaase iska leh lacagtay lagu xanibay #Switzerland? Maxayse beesha caalamka u jareen dhaqaalihii ay #Soomaaliya siin jireen? Yaa diiday inuu sameeyo #Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Foociye”? Yaa diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Foociye”? Yaa lacagtii dalka laga dhacay u soo diiday Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Foociye”?  Ha Wiqleyso! 

Muqdisho Abriil 7, 2025 Wasiirkii xilka baneeyey ee wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya hogaaminayey afartii sano ee lasoo dhaafay ayaa maanta cadeeyey in dagaal kala dhaxeeyo Mareykanka, taasi oo sababtay xil ka qaadistiisa.

Khudbadii uu maanta jeediyey wasiir Jaamac wuxuu ku soo gabagabeeyey “Waxaan ku faraxsanaa culeys kasta oo aan la kulmay, anigoo ku adkeystay difaaca danaha qaranka Soomaaliyeed, waxaana leeyahay cid kasta oo neceb danaha qarankaan, adey taladii ku seegtaye warhooy Soomaaliya, Soomaalibaa leh.”

Sida ay horay u baahisay Caasimada Online, in xilka wasaaradda gaashaandhigga laga qaado wasiir Jaamac waxaa kaalin weyn ku lahaa Mareykanka oo ka mid ah dowladaha dhismaha ciidanka iyo dagaalka argagixisada ka kaalmeeya Soomaaliya.

Wasiir Jaamac oo saaxiib dhow la ahaa Turkiga ayaa ku guul darreystay inuu isku wado labada dowladood ee Turkiga iyo Mareykanka oo door weyn ka qaata dhismaha ciidanka xoogga dalka iyo dagaalka Khawaarijta, si gaar ah duqeymaha.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo maanta xilka wareejiyey ayaa si cad u diiday inuu u mahadceliyo Mareykanka oo dhamaan masuuliyiinta kale ee dowladda Soomaaliya aysan ka daalin mahad-celintiisa.

“Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa dowladaha Turkiga, Imaaraadka Carabta, Qatar, Masar, Uganda, Eritrea iyo Jabuuti oo aan ka helay taageeradii dhismaha awoodda difaaca qaranka Soomalaiyeed,” ayuu wasiir Jaamac oo aan halkaas ku xusin Mareykanka.

Sidoo kale, Wasiir Jaamac ayaa maanta u mahad celiyey dowladaha Soomaaliya u soo diray Ciidamada Midowga Afrika, isagoo sheegay in ciidamada uu dhisay ee xoogga dalka ay gaarayaan 20,000 oo askari, kuwaas oo dhismahooda ay gacan ka geysteen Turkiga, Imaaraadka Carabta iyo Eritrea.

Labo ilo wareed ayaa sheegay in dadaalladii Wasiir Cabdulqaadir uu ku doonayay inuu xoojiyo iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinacyada difaaca, tamarta, iyo hawada sare ay ka careysiisay Washington, taas oo xiriir dhow la leh dhaqdhaqaaqa Imaaraadka Carabta ee Geeska Afrika.

Intii uu wasiirka ahaa Cabdulqaadir, Soomaaliya iyo Turkigu waxay February 2024 kala saxiixdeen heshiis ballaaran oo dhinacyada ciidamada badda, ganacsiga iyo difaaca ah.

Faahfaahinta heshiiskan looma shaacin si buuxda, laakiin waxaa ku jiray samaynta ciidanka badda Soomaaliya iyo sahanka kheyraadka tamarta, taas oo qayb ka ahayd jawaab-celin laga bixiyay heshiiska Itoobiya ay la gashay maamulka Somaliland.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo ka qalin-jabiyay Jaamacadda Ankara, isla markaana xiriir dhow la yeeshay madaxda Turkiga, ayaa la sheegay inuu ka xanaajiyay Maraykanka, taas oo sababtay inay dalbadaan in xilka laga qaado.

Mas’uul Soomaali ah ayaa u sheegay Middle East Eye in saraakiisha Maraykanku ay si joogto ah Madaxweyne Xasan Sheekh ugu cadaadinayeen inuu xilka ka qaado Nuur, iyagoo ku eedeeyay inuu iskaashi ku filan la samayn waayay ciidamada Maraykanka.

“Sidoo kale waxay codsadeen inay helaan nuqul ka mid ah heshiiskii la saxiixay February,” ayuu yiri mas’uulkaasi, isagoo intaa ku daray, “Waxay ka walwalsanaayeen qorshayaasha la xiriira in Turkigu Soomaaliya ka hirgeliyo saldhig hawada sare oo laga yaabo inay ku jiraan tijaabooyin gantaallo riddadoodu dheer tahay.”

Waxaa kale oo Maraykanka ka careysiiyay heshiisyada Turkigu kula galay Soomaaliya ee la xiriira sahminta shidaalka iyo gaaska.

Muqdisho Abriil 7, 2025 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan deg deg ah isugu yeeray madaxda iyo saraakiisha hey’adaha qaabilsan sugidda ammaanka Muqdisho, kadib weerarro hoobiye loo adeegsaday shalay iyo maanta lagu qaaday Madaxtooyada Qaranka iyo Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde oo ah labada goob ee ugu muhiimsan Caasimadda.

Guddoomiye Yabooh oo metelayey maamulka gobolka Banaadir iyo saraakiisha ugu muhiimsan hay’adaha amniga ayaa hor fariistay caawa Madaxweynaha oo aad uga careysan weerarradii dhacay oo ilaa hadda aan cidna loo soo qaban ayaa su’aalo adag weydiiyey saraakiisha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saraakiisha iyo masuuliyiinta kale ee amniga qaabilsan weydiiyey sababta ay uga hortegi waayeen weerarradaas, hadii ay taas ku guul dareysteena ay u ugaan waayeen goobta laga soo tuuray iyo cidda soo riday.

Ilo wareedyo kulankaas uga waramay Caasimada Online ayaa sheegay in Madaxweynuhu ku canaantay saraakiisha amniga sababta ay ku waayeen xogta magaalo ay 24-ka saac ka shaqeeyaan, galaan galka ay bulshada ku dhex leeyihiin ayuu sidoo kale su’aalo badan ka weydiiyey.

Madaxweynaha ayaa ugu goodiyey in saraakiisha amniga lagu xisaabi doono oo xabsi, baaritaan iyo xil ka qaadis ay wajihi doonaan hadii hoobiye dambe lagu soo rido Muqdisho, isagoo u muujiyey in wax dulqaad ah uusan u heynin amni darrada Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa shalay ku dhiiraday inay gudaha Muqdisho isaga duubaan muuqaal, iyagoo Hoobiye ka ridaha gudaha caasimada, taasi oo abuurtay qalqal amni oo xoog leh, muuqaalkaas oo ragga hoobiyaha ridaya ay afka soo xirteen ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada.

Amniga Garoonka Muqdisho ayey maanta saameyn ku yeesheen hoobiyaashii lagu soo riday, waxaana la xaqiijiyey inay hawada ka laabatay diyaaradda Turkish Airline, taas oo ka degtay dalka Jabuuti, kuna laabatay Ankara, dadka saaraa ee maanta Muqdisho ka soo dego waayey waxaa kamid ahaa guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo maalmahaan ku maqnaa dalka Ingiriiska.

Guddoomiye Amiir oo hadda weysan diyaarad dalka keenta, kadib markii uu maanta ka laabtay hawada Muqdisho, hoobiyaha soo dhacaya dartiis ayaa wajahaya cadaadis uga imaanaya Madaxweynaha oo ku amray inuu deg deg dalka u yimaado, maadaama ay socdaan qulqulatooyin amni, sidoo kalena ay socdaan shirarkii golaha wadatashiga qaranka.

Labada ilo ayaa sheegay in tallaabadii ugu dambeysay ee sii xumeysay xaaladda ay ahayd markii Turkigu Talaadadii hore Muqdisho keenay laba diyaaradood oo dagaal oo nooca Bayraktar Akinci ah, si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Iran Abriil 7, 2025 Iran ayaa gaashaanka ku dhufatay dalabka Mareykanka ee ah inay si toos ah uga wada xaajoodaan barnaamijkeeda nukliyeerka ama ay wajihi karto weerar militari, iyadoo uga digtay dalalka deriska ah ee saldhigyada siinaya Mareykanka inay noqon karaan bartilmaameedyo haddii ay ku lug yeeshaan arrintaas, sida uu sheegay sarkaal sare oo reer Iran ah.

Inkastoo Iran ay diiday dalabka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee wadahadallada tooska ah, haddana waxay dooneysaa inay sii waddo wadaxaajoodka dadban ee dalka Cumaan, oo muddo dheer soo ahaa marin ay labada waddan ee xifaaltamaa isugu gudbiyaan farriimaha, sida uu Reuters u sheegay sarkaalka oo codsaday in aan magaciisa la sheegin.

“Wadahadallada dadban waxay fursad u siinayaan in la qiimeeyo sida ay dhab uga tahay Washington inay xal siyaasadeed ka gaarto arrinta Iran,” ayuu yiri sarkaalkaasi. Inkastoo wadadu ay noqon karto mid adag, haddana wadahadallada ayaa bilaaban kara dhowaan haddii farriimaha Mareykanku ay muujiyaan taageero arrinkaas ku saabsan, ayuu intaa raaciyay.

Iran ayaa si rasmi ah digniin ugu dirtay dalalka Ciraaq, Kuwait, Imaaraadka Carabta, Qatar, Turkiga iyo Baxreyn, iyadoo u sheegtay in taageero kasta oo ay siiyaan weerar uu Mareykanku ku qaado Iran—oo ay kamid tahay isticmaalka hawadooda ama dhulkooda—loo arki doono fal cadawtooyo ah.

“Ficilkaasi wuxuu yeelan doonaa cawaaqib xun,” ayuu yiri sarkaalkaasi, isagoo xusay in hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Cali Khamenei, uu ciidamada Iran galiyay heegan sare.

Digniinaha Madaxweyne Trump ee ku saabsan weerarka militari ee ka dhanka ah Iran ayaa sii kordhiyay xiisadda gobolka, kaasoo markii horeba la daalaa dhacayay dagaallada Gaza iyo Lubnaan, duqaymaha ka socda Yemen, isbeddelada hoggaanka Suuriya, iyo dagaallada ay iswaydaarsadeen Israa’iil iyo Iran.

Waxaa jira walaac weyn oo laga qabo in gobolka uu ku fido dagaal ballaaran, taasoo walaac badan ku abuurtay dalalka gacanka Carbeed ee uu hal dhinac ka xigo Iran, dhinaca kalena boqortooyooyinka Carabta ee Mareykanku xulafada la yahay, kuwaasoo sidoo kale ah marin muhiim u ah shidaalka caalamiga ah.

Afhayeenada dawladaha Ciraaq, Kuwait, Imaaraadka Carabta, Qatar iyo Baxreyn ayaan wali ka jawaabin codsiyo lagu waydiistay faahfaahin dheeraad ah. Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa sheegtay inaysan ka warqabin digniin rasmi ah, balse fariimaha noocaas ah lagu gudbin karo qaabab kale.

Arbacadii, warbaahinta dowladda Iran ayaa shaacisay in Kuwait ay u xaqiijisay Tehran inaysan marnaba oggolaan doonin in dalkeeda loo isticmaalo fal cadawtooyo oo ka dhan ah waddan kale.

Ruushka, oo ah xulafada Iran, ayaa Khamiistii sheegay in hanjabaadaha Mareykanka ee weerarka ka dhanka ah Iran ay yihiin kuwo aan la aqbali karin, Jimcihiina wuxuu ku baaqay in xaaladda la dejiyo.

Iran ayaa isku dayaysa inay taageero dheeraad ah ka hesho Ruushka, balse waxay ka shakisan tahay sida dhab ahaan ay Moscow uga go’antahay inay difaacdo xulafadeeda. Arrintaas waxay ku xirnaan doontaa xiriirka ka dhexeeya Trump iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayuu sheegay sarkaal labaad oo reer Iran ah.

Laba bilood oo fursad ah

Trump ayaa sheegay inuu doorbidayo heshiis lala gaaro Iran oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka halkii uu dagaal militari qaadi lahaa, isagoo 7-dii Maarso warqad ku saabsan arrintan u qoray hoggaamiyaha sare ee Iran, Khamenei.

Sarkaalka koowaad ee reer Iran ayaa sheegay in wareegga hore ee wadahadallada dadban laga yaabo inay dhex-dhexaadiyaan mas’uuliyiin ka socda Cumaan oo ka kala dhex shaqeyn doona wafdiyada Iran iyo Mareykanka. Khamenei ayaa oggolaaday in Wasiirka Arrimaha Dibadda Abbas Araqchi ama ku-xigeenkiisa Majid Takht-e Ravanchi ay ka qaybgalaan wadahadallada laga yaabo inay ka dhacaan magaalada Muscat.

Afhayeen u hadlay dowladda Cumaan ayaan wali ka jawaabin codsi faahfaahin dheeraad ah lagu waydiistay.

Si kastaba ha ahaatee, sarkaalka ayaa sheegay in la heli karo fursad laba bilood ah oo heshiis lagu gaari karo, isagoo ka digay in haddii wadahadalladu ay dib u dhacaan laga yaabo in Israel ay qaaddo weerar gaar ah, taasoo sababi karta dib u soo celinta dhammaan cunaqabateynada caalamiga ah ee lagu soo rogo Iran, si looga hortago inay hesho hubka nukliyeerka.

Iran ayaa muddo dheer iska fogeysay eedaynta ah inay raadineyso hub nukliyeer ah, laakiin hay’adda tamarta nukliyeerka ee Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in Iran ay si weyn u kordhisay kobcinta Yuraaniyamka heerka 60%, taasoo aad ugu dhow heerka loo isticmaalo hubka ee 90%.

Dalalka reer Galbeedka ayaa sheegay in aan loo baahnayn in Yuraaniyamka loo kobciyo heerkaas sare barnaamij rayid ah darteed, iyagoo sheegay inaan waddan kale oo sameeyay tallaabadan aysan ka harin hub nukliyeer ah.

Inkastoo Iran sheegtay inay diyaar u tahay wadahadal lala yeesho Mareykanka haddii looga hadlayo arrimaha nukliyeerkeeda, haddana waxay gabi ahaanba diiday inay toos u wadaxaajoodaan inta Mareykanku uu hanjabaado wado. Iran ayaa sidoo kale sheegtay in barnaamijkeeda gantaalaha aanay marnaba diyaar u ahayn inay ka wadaxaajoodaan.

Taliyaha sare ee ciidamada kacaanka Iran (IRGC), Amirali Hajizadeh, ayaa Isniintii sheegay in saldhigyada Mareykanku uu ku leeyahay gobolka ay noqon karaan bartilmaameed haddii dagaal dhaco.

Sannadkii 2020, Iran ayaa bartilmaameedsatay saldhigyo Mareykanku ku lahaa Ciraaq kaddib markii Mareykanku dilay Qassem Soleimani oo ahaa taliyihii ciidamada Quds ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga, iyadoo lagu bartilmaameedsaday weerar gantaallo oo ka dhacay magaalada Baqdaad.

Muqdisho Abriil 7, 2025 Go’aanka uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud dekedaha dalka si gaar ah ugu soo bandhigay dowladda Maraykanka ayaa laga yaabaa inuu ku saleysnaa sidii loo heli lahaa ballanqaadyo amni, balse wuxuu abuuray khilaaf siyaasadeed oo halis gelin kara dadaallada gudaha ee lagula dagaallamayo kooxaha xagjirka ah.

Toddobaadkii hore, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu warqad u qoray dhiggiisa Maraykanka Donald Trump, isagoo soo bandhigay deked ku taalla Puntland iyo mid kale oo ku taalla Somaliland inay Maraykanku si gaar ah u isticmaalaan.

Warqadda, oo uu faafiyay qof aan la aqoonin, ayaa tilmaantay in Maraykanku heli doono isticmaal gaar ah oo ku saabsan saldhigyo ciidan iyo dekedo muhiim ah.

Toddobaadkan, maamulka Somaliland ayaa sheegay inay lama filaan ku noqotay in Madaxweynaha Soomaaliya uu Maraykanka u soo bandhigo maamulka gaarka ah ee dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee Berbera, halkaas oo Somaliland gacanta ku heysay tan iyo 1991.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), oo horay diblomaasi Soomaaliyeed u ahaa, ayaa arrintan ka hadlay isagoo yiri: “Cidna awood uma laha inay ka ganacsato dhulka Somaliland, Madaxweyne Xasan Sheekh xitaa Muqdisho kama taliyo.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale soo bandhigay saldhigga cirka ee Ballidoogle, oo qiyaastii 90 km waqooyi-galbeed ka xiga Muqdisho iyo dekedda Boosaaso, isagoo sheegay inuu doonayo inuu “xoojiyo ka qeybgalka Maraykanka ee gobolka Geeska Afrika.”

Dekedda Boosaaso, oo qiyaastii 1,500 km waqooyi-bari ka xigta Muqdisho, waxay hoos timaadaa maamulka Puntland oo kamid ah maamullada Federaalka Soomaaliya. Maamullada kale ee Federaalka waxaa kamid ah Jubbaland, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug. Somaliland ayaa dhinaceeda ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale bishii May 1991, waxayna diiday inay qeyb ka noqoto nidaamka Federaalka.

Somaliland looma aqoonsanin waddan madax-bannaan, balse waxay leedahay lacag u gaar ah, bangi dhexe, ciidan, waxayna qabataa doorashooyin joogto ah oo madaxweyne iyo baarlamaan.

Siyaasiyiinta Somaliland ayaa tallaabadan u arkay isku day lagu dhacay dhulkooda iyadoo loo dhiibayo dowlad shisheeye iyadoo aan lala tashan.

Wargeyska Somaliland Chronicle ayaa tifaftirkiisa ku sheegay in Soomaaliya ay bixineyso “dhul aysan maamulin tan iyo markii George HW Bush ahaa madaxweyne (1980-meeyadii).”

Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho iyo Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka midkoodna kama aysan hadlin arrimaha ku xeeran warqadda iyo soojeedinteeda

Si kastaba ha ahaatee, waxyaabaha ku jira warqadda ayaa tijaabo adag ku noqday xiriirka dowladda Federaalka iyo maamullada kale ee dalka, gaar ahaan marka laga hadlayo arrimaha amniga. Tan iyo sannadkii hore, Puntland waxay guulo ka gaartay dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish, balse waxay dowladda Federaalka ku eedaysay inaysan taageero siin.

Dowladda Federaalka lafteeda waxay dagaal adag kula jirtaa Al-Shabaab, oo ah koox awood badan ku leh gobollada dhexe iyo koonfureed ee Soomaaliya.

Tan iyo markii Soomaaliya ay qaadatay nidaamka Federaalka, khubarada siyaasadda sida Maxamuud Maxamed waxay qabaan in awoodda dowladda dhexe ay xadidan tahay, gaar ahaan iyadoo xiriirka Puntland iyo Muqdisho aanu wanaagsanayn sannadihii la soo dhaafay.

Maxamuud Maxamed ayaa yiri, “Haddii soojeedinta la sameeyay iyadoo aan Puntland lala tashan, xiriirka Garowe iyo Muqdisho wuxuu noqon karaa mid sii xumaada.”

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya waxay ku celcelisay inay leedahay madax-bannaani dhuleed, iyadoo qaar ka mid ah khubaraduna ay u arkaan in soojeedintan loogu talagalay inay fariin siyaasadeed gudbiso.

Baashiir Goth, oo madax ka ah Ergada Somaliland ee Maraykanka, ayaa qoraal jawaab ah ka soo saaray warqadda, isagoo yiri: “Aqoonsiga Somaliland waxaa Soomaaliya u adeegsaneysaa inay Maraykanka ku soo jiidato isticmaalka iyo maamulka dekedda Berbera.”

WARARKA MAANTA31ka Abriil 6, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa booqan doona Dowlad Goableedka #KhaatumoState? Goorma ayuu Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre booqan doona Dowlad Gobaleedka #SSCKhaatumoState? Yaa diiday inay xisbiyada siyaasaddeed si xor ah u hadlaan? Maxayse beesha caalamka ugu baaqday inuu iscasilo Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaase loo diiday lacagtii uu dadweynaha ka dhacay? Yaase iska leh lacagtay lagu xanibay #Switzerland? Maxayse beesha caalamka u jareen dhaqaalihii ay #Soomaaliya siin jireen? Yaa diiday inuu sameeyo #Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Foociye”? Yaa diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Foociye”? Yaa lacagtii dalka laga dhacay u soo diiday Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Foociye”?  Yaa diiday inay Dowladda Iyo Dowlad Gobaleedyada wadashaqeeyaan? Yaa qaban doona doorasho cod iyo qof Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Foociye”? Ha Wiqleyso! 

SSCKhaatumo State Abriil 6, 2025   Maamulka ku meel gaarka ah ee SSC Khaatumo ayaa shaaciyay in Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre uu booqasho rasmi ah ku tagi doono magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Diinta iyo Awqaafta maamulka KMG SSC Khaatumo Jeneral Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa warbaahinta u sheegay iney u diayar garoobeen soo dhoweynta Raysal wasaare Soomaaliya.

“Waxaan u diyaar garoownay imaanshaha Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo la filayo inuu yimaado magaalada Laascaanood” ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda Diinta iyo Awqaafta maamulka SSC Khaatumo Jeneral Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Wasiir Xijaar ayaa sidoo kale sheegay in amaan ahaan maamulka SSC Khaatumo uu ka mid yahay maamulada ugu amniga wanaagsan guud ahaan dalka.

“Maamulka SSC Khaatumo waa maamulka ugu amniga fiican marka loo eego maamul goboleedyada hadda jira, Shacabka way sugi la’yihiin imaanshaha Raysall Wasaaraha Soomaaliya” ayuu yiri Wasiir Xijaar.

Si kastaba ha ahaatee Wasiir Xijaar ma shaacin waqtiga rasmiga ah ee uu booqashada ku tagayo magaalada Laascaanood Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, kaasoo sawiradiisa lagu dhajiyay wadooyinka waa weyn ee magaalada Laascaanood.

Hadii uu booqasho ku tago Raysal wasaaraha Soomaaliya magaalada laascaanood waxay noqon doonta markii ugu horeysay oo Raysal Wasaare uu tago magaaladaas mudo ka badan 50 sano.

Midowga Afrika Abriil 6, 2025  Midowga Afrika iyo dowladda Soomaaliya ayaa oggolaaday in 2,500 oo askari oo Itoobiyaan ah la geeyo Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan howlgalka cusub ee nabad ilaalinta Soomaaliya.

Masar ayaa sidoo kale lagu wadaa in ku dhawaad 1,100 askari ay ku biiriso howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), sida lagu sheegay warbixin cusub oo kasoo baxday golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Tirada guud ee ciidamada militariga ee loo oggolaaday inay ka qeyb qaataan AUSSOM, oo si rasmi ah u bilaabatay bishii Janaayo, ayaa ka yar 12,000 oo askari, marka laga reebo ciidamada Booliska iyo kuwa kale ee ammaanka.

Uganda ayaa ku biirin doonta 4,500 oo askari howlgalka AUSSOM, halka Jabuuti iyo Kenya lagu wado in ay soo diraan 1,520 iyo 1,410 nabad ilaalin ah.

Tirada ugu dambeysa ee ciidamada ku biiraya AUSSOM ayaa waxaa xaqiijiyay guddiga isku xirka howlgallada Soomaaliya (SOCC) oo qaabilsan howlgalka nabad ilaalinta.

AUSSOM ayaa bedeshay Hawlgalka Ku-meel-gaadhka ah ee Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) bilowgii sannadkan, laakiin waxa ay weli caqabad ku tahay arrimaha maalgelinta inkastoo ay taageero ka helaan AU iyo UN. Warbixin la soo saaray Agoosto 2024 ayaa tilmaameysa in wax ka yar 13,000 oo ka mid ah 20,000 oo askari ee ka qeyb qaadanayay ATMIS ay ku sugan yihiin Soomaaliya.

AUSSOM waxaa loo qorsheeyay inay shaqeyso ilaa dhamaadka 2028. Marka laga reebo ciidamada hoos yimaada AUSSOM, dhowr boqol oo boolis ah oo ka socda Masar, Nigeria, iyo Sierra Leone ayaa lagu wadaa in la geeyo Muqdisho, Jowhar iyo Baydhabo, sida lagu sheegay warbixinta Qaramada Midoobay.

War ka soo baxay la taliyaha amniga qaranka Soomaaliya ayaa tilmaamaya in durbaba ay socdaan howlgalo ciidan oo ay iska kaashanayaan ciidamada AUSSOM iyo kuwa qaranka Soomaaliya.

Arimahan ayaa kusoo aadaya iyadoo dhawaanahan ay kordheen weerarada ay geysanayaan Al-Shabaab oo uu kamid yahay weerar lagu qaaday kolonyo uu la socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana dib u soo cusboonaatay duulaanka ka dhanka ah kooxda Alshabaab sida lagu arkay duqeymo ay fuliyeen ciidamada cirka Mareykanka iyo kuwa Itoobiya

Muqdisho Abriil 6, 2025   Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war kasoo saartay Shirkii u dhaxeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyeyaasha dowlad goboleedyada Koofurgalbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, kaas oo horudhac u ah baaqii Madaxweynaha ee dadaallada lagu mideynayo shacabka Soomaaliyeed.

Shirkaan ayaa sidoo kale xambaarsanaa ahmiyada ay leedahay dardargelinta si loo laba-jibaarro hawlgallada lagu ciribtirayo Al shabaab oo ay iska kaashanayaan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka.

Kulanka ayaa lagu wadaagay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee dalka iyo hawlgallada hadda socda,

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyay madaxweynayaasha dowlad-goballeedyada kaalinta hoggaamineed ee ay ka qaadanayaan abaabulka iyo isku-duwidda dagaalka ka dhanka ah Al shabaab.

Intii uu kulanku socday ayay madaxdu ka wadahadleen muhiimadda ay leedahay in loo diyaargaroobo gogosha qaran ee dhawaan uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, taas oo ujeedkeedu yahay in la abuuro jawi midnimo.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xasuusan in guulaha waaweyn ee laga gaaray la-dagaallanka argagaxisada ay ku yimaadeen taageerada hagar-la’aanta ah ee ay shacabka Soomaaliyeed la garab-taaganyihiin geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.

Maraykanka Abriil 6, 2025  Dowladda Maraykanka ayaa Sabtidii shaaca ka qaaday inay gabi ahaanba laashay dhammaan fiisooyinka dadka wata baasaboorka Koonfur Suudaan, kadib markii dalkaasi uu ku fashilmay inuu aqbalo soo-celinta muwaadiniintiisa laga soo tarxiilay Maraykanka.

Go’aankan ayaa yimid xilli wadamo badan oo Afrikaan ah ay ka cabsi qabaan in Koonfur Suudaan ay dib ugu noqoto dagaal sokeeye.

Maamulka Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa qaaday tallaabooyin adag oo lagu xoojinayo dhaqan-gelinta sharciyada socdaalka, oo ay ka mid tahay soo celinta dadka loo arkay inay si sharci-darro ah ugu sugnaayeen gudaha Maraykanka.

Maamulka ayaa horey uga digay in dalalka aan sida degdegga ah dib ugu qaadan muwaadiniintooda ay wajihi doonaan tallaabooyin adag, sida cunaqabateynta fiisooyinka ama canshuuro dheeraad ah.

Koonfur Suudaan ayaa ku fashilantay inay ilaaliso mabda’a ah in waddan kastaa uu aqbalo dib-u-soo celinta degdegga ah ee muwaadiniintiisa marka dal kale, sida Maraykanka, uu doonayo inuu dib ugu celiyo dalkooda, sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka, Marco Rubio.

“Laga bilaabo hadda, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka waxay qaaday tallaabooyin ay ku laalayso dhammaan fiisooyinka dadka sita baasaboorka Koonfur Suudaan, iyadoo sidoo kale joojinaysa bixinta fiisooyin cusub si looga hortago in dadka wata baasaboorkaasi ay soo galaan gudaha Maraykanka,” ayuu yiri Rubio.

“Waxaan diyaar u nahay inaan dib u eegis ku samayno tallaabooyinkan marka Koonfur Suudaan ay si buuxda ula shaqeyso Maraykanka,” ayuu sii raaciyay Rubio.

Rubio ayaa sidoo kale sheegay inay tahay xilligii dowladda KMG ah ee Koonfur Suudaan ay joojin lahayd inay “ka faa’iideysato Maraykanka.”

Safaaradda Koonfur Suudaan ee magaalada Washington ayaan weli ka jawaabin codsiyada faallooyinka ku saabsan arrintan.

Danjirayaal ka socda Midowga Afrika ayaa toddobaadkan gaaray magaalada Juba ee caasimadda Koonfur Suudaan si ay wadahadallo uga yeeshaan sidii looga hortagi lahaa dagaal cusub oo sokeeye oo dalkaasi ka qarxa, kadib markii Madaxweyne Ku-xigeenka Koowaad Riek Machar lagu soo rogay xabsi guri toddobaadkii hore.

Dowladda Madaxweyne Salva Kiir ayaa ku eedeysay Machar, oo muddo dheer ahaa mucaarad hoggaaminayay jabhado intii uu socday dagaalkii sokeeye ee u dhexeeyay sannadihii 2013 ilaa 2018 kaas oo galaaftay boqollaal kun oo qof, inuu hadda qorsheynayo kacdoon cusub.

Xarigga Machar ayaa yimid kadib toddobaadyo dagaal uu ka socday gobolka Upper Nile ee waqooyiga dalkaas, halkaas oo ciidamada dowladda iyo maleeshiyada White Army ay dagaallo dhex mareen. Xoogagga Machar ayaa horey xiriir ula lahaa maleeshiyada White Army xilligii dagaalka sokeeye, balse hadda waxay beeniyeen inay xiriir hadda ka dhexeeyo.

Dagaalkii sokeeye ee dalkaasi ka dhacay intii u dhaxaysay 2013 ilaa 2018 ayaa salka ku hayay khilaaf qabiil, iyadoo dagaalyahannada Dinka oo ah qabiilka ugu badan dalka ay taageerayeen Madaxweyne Kiir, halka qabiilka Nuer, oo ah kan labaad ee ugu badan dalkaasi, ay taageersanaayeen Machar.

Muqdisho Abriil 6, 2025  Midowga Afrika iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa oggolaaday in Soomaaliya loo diro 2,500 askari oo Itoobiyaan ah, kuwaas oo qayb ka noqon doona ciidan cusub oo nabad-ilaalin ah, si loo xoojiyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Ciidamadan ayaa ka hawlgeli doona howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Taageerada Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo si rasmi ah u billaabmay bishii Jannaayo ee sannadkan, islamarkaana socon doona ilaa dhammaadka sannadka 2028.

Sida uu dhigayo qaraar uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ansixiyay dabayaaqadii sannadkii hore, howlgalka AUSSOM wuxuu taageero siin doonaa ciidamada ammaanka Soomaaliya, gaar ahaan goobaha laga qabsaday Al-Shabaab, oo xiriir dhow la leh Al-Qaacida.

Tirada guud ee ciidamada la ansixiyay waa 12,626 askari, taas oo ka yar tiradii hore ee ATMIS, arrintaas oo muujinaysa rabitaanka sii kordhaya ee Soomaaliya in ay la socoto ciidamada shisheeye ee dalkeeda jooga.

Uganda ayaa ciidanka ugu badan ku biirinaysa howlgalka, iyadoo soo diraysa ilaa 4,500 askari, halka Masar ay filayso inay ku biiriso ku dhawaad 1,100 askari. Jabuuti iyo Kenya ayaa sidoo kale ka qayb qaadan doona howlgalka, iyagoo kala diraya 1,520 iyo 1,410 askari sida ay u kala horreeyaan. Guddiga Isku-xirka Howlgallada Soomaaliya (SOCC) ayaa xaqiijiyay tirada rasmiga ah ee ciidamadan.

Warbixin uu soo saaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa muujisay in ilaa Agoosto 2024 ay Soomaaliya joogeen wax ka yar 13,000 oo askari oo ATMIS ka tirsan.

Ka qaybgalka Itoobiya ee howlgalka ayaa markii hore muran galay kadib markii Itoobiya ay heshiis muran badan dhaliyay la saxiixatay Somaliland, kaas oo Addis Ababa siinaya marin biyoodka Badda Cas iyadoo loo badinayo inay beddelkeeda aqoonsato madaxbannaanida Somaliland.

Soomaaliya ayaa markii hore kasoo horjeesatay doorka Itoobiya ee howlgalka AUSSOM iyadoo ka walaacsan arrimo la xiriira madax-bannaanideeda, balse mowqifkaasi ayaa isbeddelay kaddib wadahadallo Turkigu uu dhexdhexaadiyay oo lagu gaaray heshiiska Ankara.

Ka sokow ciidamada militariga, boqollaal askari oo boolis ah oo ka socda Masar, Nigeria, iyo Sierra Leone ayaa lagu geyn doonaa magaalooyinka muhiimka ah sida Muqdisho, Jowhar, iyo Baydhabo si ay uga qayb qaataan sugidda amniga iyo xasilinta deegaannadaas.

Doorka ciidamada Masar

Ciidamada Masar ee Soomaaliya loo dirayo—oo qayb ka ah heshiis ballaaran oo difaac oo suurta galinaya in ilaa 10,000 oo askari oo Masar ah la geeyo Soomaaliya—ayaa muujinaya isbeddel ku yimid awoodaha Geeska Afrika.

Mas’uuliyiinta Masar ayaa sheegaya in ujeedkoodu yahay inay gacan ka geystaan xasilinta Soomaaliya, balse falanqeeyayaashu waxay tilmaamayaan in arrintani qayb ka tahay tartanka muddada dheer soo socday ee u dhexeeya Masar iyo Itoobiya.

Khilaafka ka taagan biyo-xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD), oo Masar ay u aragto khatar ku ah ammaankeeda biyaha, ayaa Masar ku riixay inay iskaashiyo cusub ka raadiso Bariga Afrika. Iyadoo Masar ay joogitaan ciidan oo toos ah ku yeelato Soomaaliya, waxay heshaa awood istiraatiiji ah oo dheeraad ah, gaar ahaan iyadoo Itoobiya ay isku dayeyso inay hesho marin dekadeed iyo saameyn badeed oo gobolka ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa mowqif adag ka qaadatay shuruudaha ku saabsan joogitaanka ciidamada shisheeye. Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in heshiisyadii dhowaan la saxiixay ay hubiyeen in ciidamo ku filan ay joogaan, si loo gaaro tirada ugu yar ee 11,000 askari ee loo qoondeeyay howlgalka AUSSOM, xitaa haddii ay dalal qaarkood ka baxaan heshiiska.

Soomaaliya ayaa sidoo kale si adag u dalbanaysa in waddan kasta oo ciidamo diraya uu si buuxda u ixtiraamo maamulka dowladda Federaalka Soomaaliya. Inkasta oo Itoobiya ay hore ugu lahayd Soomaaliya in ka badan 20,000 askari oo hoos yimaada ATMIS, haddana Muqdisho ayaa ku adkeysatay in ciidamada cusub ay hoos yimaadaan heshiisyo cad sida heshiiska cusub ee heerka ciidamada (SOFA), kaas oo damaanad qaadaya ilaalinta danaha qaranka Soomaaliya.

Maal-gelinta howlgalka

Maalgelinta ayaa weli ah arrin muhiim ah oo walaac leh. Habka maalgelinta ayaa noqon doona mid isku-dhaf ah, iyadoo Qaramada Midoobay ay dabooli doonto ugu badnaan 75%, inta kalena laga heli doono Midowga Afrika iyo dalalka kale ee caalamiga ah.

Mas’uuliyiin Mareykan ah ayaa walaac ka muujiyay suurtagalnimada in laga gudbo xadkaas, taas oo walaac ka dhalisay ku saabsan joogtaynta howlgalka. Dhanka kale, Midowga Yurub, Turkiga iyo Shiinaha ayaa sii wadaya bixinta taageero dhaqaale iyo mid saadka ah.

Soomaaliya ayaa sidoo kale la daalaa dhacaysa kala qaybsanaan gudaha ah oo ka jirta dowlad-goboleedyada, kuwaas oo qaarkood aad ugu tiirsan taageerada ciidamada shisheeye ee ammaanka gudaha.

Maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeysanaya in qaabka nabad-ilaalinta ee “Soomaalida hoggaaminayso” uu xoojin doono hay’adaha dowladda isla markaana uu furi doono waddo u horseedaysa in Soomaaliya ay mustaqbalka isku filnaansho buuxda ka gaarto dhinaca amniga.

Sida uu sheegay la-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya, howlgallo wadajir ah oo u dhexeeya ciidamada AUSSOM iyo kuwa Soomaaliya ayaa durba socda, iyadoo lagu bartilmaameedsanayo deegaannada weli gacanta ugu jira Al-Shabaab, kuwaas oo weli halis weyn ku haya amniga dalka.

Inkasta oo muddo ku dhow labaatan sano ah ay jirto faragelin caalami ah, Al-Shabaab ayaa wali gacanta ku haysa qaybo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Kooxda ayaa dhowaan fulisay weerarro waaweyn oo uu ka mid yahay weerar lagu qaaday kolonyo uu la socday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud bartamihii Maarso. Weerarada sii kordhaya ayaa keenay in dib loo xoojiyo howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, sida duqeymo cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka, Turkiga, iyo Itoobiya.

Muqdisho Abriil 6, 2025 Xuseen Sheekh Maxamuud, oo ah La-taliyaha arrimaha dastuurka ee Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa ka hadlay gogosha uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh ee looga arrinsanayo xaaladda dalka, isaga oo sheegay inay ka qeyb galayaan maamullada Jubbaland iyo Puntland oo uu khilaaf culus kala dhexeeyo dowladda federaalka.

La-taliyaha ayaa ugu horreyn shaaca ka qaaday in haatan uu socdo diyaar-garowga shirka, isla markaana Villa Soomaaliya ay waddo wada-tashiyo la xiriira gogosha uu fidiyay madaxweynaha.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu khadka taleefanka kula hadlay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaashii hore ee dalka, isaga oo kala hadlay arrinta gogosha iyo sidii ay uga qeyb gali lahaayeen.

“Madaxweynuhu wuxuu khadka taleefanka kula hadlay madax hore, waxaana soconaya diyaar-garowga qabashada gogosha. Wuxuu sidoo kale la kulmayaa qaar ka mid ah madaxda dowlad-goboleedyada sida Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle,” ayuu yiri La-taliye Xuseen Sheekh.

Wuxuu intaas ku daray in shirka si rasmi ah loogu casuumay Jubbaland iyo Puntland, isla markaana ay maamulladaasi ka mid noqon doonaan shirka.

“Shirka iyo gogosha wada-hadalka waxaa lagu casuumay hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland. Ma rabo inaan ka hadlo shaqsiyaad, balse si maamul ahaan ah shirkaas way ka qeyb galayaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay La-taliye Xuseen Sheekh.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay dhawaan Jubbaland iyo Puntland isku khilaafeen ka qeyb-galka gogosha uu fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo labada maamul ay si kala duwan uga falceliyeen tallaabada uu qaaday Xasan Sheekh.

Jubbaland ayaa si diirran u soo dhaweysay go’aanka Madaxweynaha, waxaana Axmed Madoobe, oo dhawaan hadlay, uu sheegay inuu ku farxay baaqa nabadeed ee kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana uu bogaadiyay gogosha la dhigay.

Axmed Madoobe wuxuu sidoo kale xusay in wada-hadalku yahay fursad dahabi ah oo lagu xallin karo caqabadaha hor taagan horumarka dalka, si looga gudbo kala aragti duwanaanta ka dhex jirta ummadda Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Puntland ayaa soo saartay war ka duwan midka Jubbaland, waxaana Wasiirka Warfaafinta ee maamulkaasi uu sheegay in aysan diyaar u ahayn ka qeyb-galka gogosha uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo ku sababeeyay inay ku jiraan xaalad dagaal.

“Xasan wuxuu dadka u sheegaa in uu isu keeni karo, sida ay Beesha Caalamku uga dalbatay. Laakiin Deni waqtigiisa kuma lumin karo inuu Xasan hor fadhiisto, waayo rasaas iyo tuute ayuu qeybinayaa, waana abaanduulaha dagaalka Daacish,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland.

Weli lama caddeyn goorta uu dhici doono shirka, halka lagu qaban doono, iyo cidda si rasmi ah uga qeyb-geli doonta, iyadoo indhaha lagu hayo war kasoo bixi doona Villa Soomaaliya.

WARARKA MAANTA31ka Abriil 5, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa diiday inay xisbiyada siyaasaddeed si xor ah u hadlaan? Maxayse beesha caalamka ugu baaqday inuu iscasilo Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaase loo diiday lacagtii uu dadweynaha ka dhacay? Yaase iska leh lacagtay lagu xanibay #Switzerland? Maxayse beesha caalamka u jareen dhaqaalihii ay #Soomaaliya siin jireen? Yaa diiday inuu sameeyo #Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Foociye”? Yaa diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Foociye”? Yaa lacagtii dalka laga dhacay u soo diiday Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Foociye”?  Yaa diiday inay Dowladda Iyo Dowlad Gobaleedyada wadashaqeeyaan? Yaa qaban doona doorasho cod iyo qof Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Foociye”? 

Ha Wiqleyso! 

Masar Abriil 5, 2025  Mas’uuliyiin Masri ah ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay si ula kac ah u hurinayso xiisado, kadib markii ay si been ah u sheegtay in dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ka socda waqooyiga Sinai ay jabinayaan heshiiskii nabadeed ee labada dal ay gaareen.

Diblomaasi sare oo ku sugan Qaahira ayaa u sheegay Middle East Eye (MEE) in xiriirka Masar iyo Israa’iil uu hoos u dhacay ilaa heerkii ugu liitay tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza, iyadoo cabsi laga qabo in duullaanka cusub ee Israa’iil uu hordhac u yahay qorshe barakicin qasaba ah oo lagu saari karo Falastiiniyiinta ka harsan gudaha Gaza.

Falanqeeyayaal Israa’iiliyin iyo Falastiiniyiin ah ayaa sidoo kale ka digay in maamulka Israa’iil uu xoojinayo khilaafka si uu u beddelo ra’yiga shacabka oo uu uga dhigo mid ka soo horjeeda Masar — arrin lagu micneeyay in lagu fududeynayo barakicinta Gaza, isla markaana lagu horumarinayo yoolalka istiraatiijiyadeed ee Israa’iil ee gobolka.

Assaf David, agaasimaha barnaamijka “Israel in the Middle East” ee Machadka Van Leer ee magaalada Jerusalem ahna bare ka tirsan Jaamacadda Cibraaniyada, ayaa MEE u sheegay: “Hurinta waa muuqataa. Waxaan aaminsanahay in xukuumadda Netanyahu ay si dhab ah ugu go’an tahay qorshaha nadiifinta qowmiyadeed.”

“Haddii dareenka shacabka Israa’iil ee ku wajahan Masar is beddelo, arrintu way u fududaanaysaa. Sidaas darteed, dagaal lagu abuuro Masar wuxuu dhigayaa salka qorshahan.”

Warbixino marin habaabin ah

Warbaahinta Israa’iil ayaa toddobaadkan werisay in Masar ay kordhisay joogitaanka ciidan ee waqooyiga Sinai — xuduudda Gaza — iyadoo ka tallaabeysa xaddiga ciidanka ee lagu oggol yahay heshiiska, isla markaana la dhisay kaabayaal cusub oo ku yaalla dekedaha iyo saldhigyada cirka.

Mas’uuliyiin Israa’iili ah ayaa sheegay in arrimahan lala wadaagay Qaahira iyo Washington. Wasiirka difaaca Israa’iil, Israel Katz, ayaa Khamiistii sheegay in Israa’iil aysan oggolaan doonin in Masar ay jebiso heshiiskii Camp David ee 1979.

Balse sarkaal sare oo hore oo Masar ah ayaa u sheegay MEE in aysan jirin wax jabin ah oo dhacay, isagoo xusay in joogitaanka ciidan iyo dhaq-dhaqaaqyada kale ee milatari ay waafaqsan yihiin heshiiskii asalka ahaa iyo wax-ka-beddelladii xigay.

Janaraal Ahmed Ibrahim Kamel — oo hore u soo noqday madaxa hay’adda sirdoonka milatari ee Masar iyo ku xigeenka agaasimaha guud ee sirdoonka — ayaa sheegay in isbeddel lagu sameeyay heshiiska sanadkii 2005 uu Masar u oggolaaday inay geyso hal cutub oo ka tirsan ciidanka ilaalinta xuduudaha, kuwaas oo si buuxda u hubeysan, isla markaasna la geeyay xadka Gaza kadib markii Israa’iil ay ka baxday halkaas.

Wuxuu sidoo kale sheegay in howlgaladii la dagaalanka argagixisada ee Sinai muddadii u dhexeysay 2013 ilaa 2021 ay ahaayeen kuwa si buuxda loola kaashaday Israa’iil.

Kamel wuxuu MEE u sheegay: “Sida caadiga ah, Israa’iil iyo warbaahinteeda marin-habaabinta ahi ma bixinayaan xaqiiqooyinka oo dhan, gaar ahaan isbeddellada lagu sameeyay lifaaqa milatari ee heshiiska. Waxay si joogto ah u diidaan inay Masar u aqoonsadaan la-hawlgalaha nabadda, iyagoo doorbidaya inay ku muujiyaan Masar mid dhibaatada qayb ka ah. Taasi waxay si gaar ah ugu muuqatay xasaradda Gaza ee sanadkii iyo bar ee la soo dhaafay.”

Sayed Ghoneim, oo ah cilmi-baare ka tirsan Machadka Daraasaadka Sare ee Ciidanka Masar iyo janaraal hore, ayaa isna u sheegay MEE in Israa’iil ay si qaldan u fahantay qodobbada heshiiska.

Wuxuu xusay in ay jiraan hannaan sharci ah oo u oggolaanaya Masar iyo Israa’iil inay wax ka beddelaan abaabulka milatari iyadoo aan la baabi’in heshiiska, isagoo tusaale u soo qaatay ciidamadii Masar ee loo diray xuduudda Rafax sanadkii 2021.

MEE waxay la xiriirtay Ciidanka Caalamiga ah iyo Kormeerayaasha (MFO), hay’adda caalamiga ah ee la aasaasay si ay u kormeerto fulinta heshiiskii 1979, si loo weydiiyo haddii ay diiwaangeliyeen wax jabin ah oo dhowaan dhacay. Hase yeeshee, wax jawaab ah lagama helin waqtiga la daabacayay warbixinta.

Safiiro maqan

Cabsi sii kordheysa oo laga qabo in Israa’iil ay qorshaynayso barakicin qasab ah oo loogu raro Falastiiniyiinta Gaza dhanka Sinai — taasoo ay sal u tahay soo jeedintii hore ee Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump — ayaa sii xumeysay xiriirka labada dal.

Diblomaasi Masri ah oo codsaday in magaciisa la qariyo ayaa u sheegay MEE in xiriirka hadda uu ka xun yahay sidii uu ahaa tan iyo 7-dii Oktoobar 2023.

Wuxuu sheegay in Masar ay diiday inay aqbasho waraaqaha aqoonsiga safiirka cusub ee Israa’iil, Uri Rothman, oo la magacaabay bishii Sebtembar ee la soo dhaafay.

Shaqaalaha safaaradda Israa’iil ee Masar iyo wadamada kale ee Carabta ayaa intooda badan laga daadgureeyay sababo la xiriira amniga, iyadoo Israa’iil ay kaliya si kooban u joogto safaaraddeeda Qaahira.

Masar iyaduna ma hayso safiir rasmi ah oo jooga Israa’iil kadib markii aan la magacaabin beddelka Khaled Azmi, oo si qarsoodi ah uga tagay xilka toddoba bilood kahor.

Si kastaba, falanqeeyayaal ayaa sheegay in ay jiraan arrimo kale oo ka baxsan barakicinta shacabka Gaza oo sidoo kale saameynaya xiriirka labada dal.

Assaf wuxuu qiray in yoolka ugu weyn ee Israa’iil uu yahay in la abuuro xaalad horseedaysa in dadka Gaza loo raro dhulka Masar.

Laakiin wuxuu sidoo kale xusay in arrintu ay muujinayso khilaafyo siyaasadeed iyo is-qabqabsi ka dhex jira dowladda Israa’iil, iyo sidoo kale loollanka Masar iyo Qatar ee ku saabsan doorka dhex-dhexaadinta wadahadallada xabbad-joojinta ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Wuxuu intaas ku daray in xiriirka Masar iyo Israa’iil inta badan gacanta ugu jiray hay’adaha milatari iyo amniga ee Israa’iil, kuwaasoo xiriirkaas u maareeyay si masuuliyadi ku dheehan tahay, iyagoo sal ka dhigaya heshiisyada nabadeed ee labada dhinac.

Assaf wuxuu sidoo kale sheegay in fadeexadda loo yaqaan “Qatargate” — taasoo lala xiriiriyay la-taliyeyaal ka tirsan xafiiska Netanyahu oo lagu eedeeyay xiriirka saraakiil Qataari ah — ay muujineyso in laga yaabo in xukuumadda Israa’iil ay qorsheyneyso in Masar laga riixo doorka dhexdhexaadinta.

Xariiqda cas ee Sisi

Ameer Makhoul, u dhaqdhaqaaqe Falastiini ah oo qoraa ka ah Israa’iil, ayaa sheegay in Israa’iil ay doonayso in xaalad degdeg ah lagu barakiciyo shacabka Gaza, iyada oo la adeegsanayo duqeymo xooggan si ay ugu qasbanaadaan inay u guuraan dhulka Masar.

Wuxuu sidoo kale xusay in Israa’iil ay raadinayso yoolal istiraatiiji ah oo ay ka mid yihiin ballaarinta dekedda Ashdod si ay u gaarto Gaza — qeyb ka ah mashruuc lagu sameynayo marin ganacsi oo isku xira Aasiya iyo Yurub iyada oo loo marayo jasiiradda Carabta — iyo la wareegidda ilaha gaaska badda ee xeebaha Gaza

Sidoo kale, qorshuhu wuxuu ka mid ahaa dhismaha kanaal cusub oo la tartama kanaalka Suweys — oo laga bilaabo Deir al-Balah ee Gaza loona mariyo dekedda Eilat ee Badda Cas — taasoo sidoo kale ku lug leh barakicinta beelaha Bedouin ee Negev.

“Dhammaan arrimahani waxay khatar ku yihiin ammaanka qaranka Masar waxayna wiiqayaan istiraatiijiyadda gobolka. Arrintaas waxay Israa’iil ku khasbaysaa inay xiriirka ku adkayso ama Masar isku daydo inay cabburiso,” ayuu yiri.

Masar iyo dalalka kale ee Carabta ayaa si adag u diiday in Falastiiniyiinta laga raro Gaza, iyadoo Masar ay soo jeedisay qorshe kale oo ay taageerayso Jaamacadda Carabta oo ku saleysan in Gaza dib loo dhiso iyadoo aan dadkeeda laga raraynin.

Madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi ayaa barakicinta ku tilmaamay “xariiq cas” oo khatar ku ah ammaanka qaranka Masar.

Israa’iil ayaa mar kale qaaday duullaan ballaaran oo ka dhan ah Gaza, iyadoo Qaramada Midoobay Khamiistii sheegtay in laba-meelood meel dhulka Gaza ah lagu soo rogay amarro barakicin ah ama uu noqday “goob mamnuuc ah,” waxaana ka mid ah magaalada Rafax iyo inta badan koonfurta Gaza.

Muqdisho Abriil 5, 2025 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaaday tallaabo la aaminsan yahay inay ka dhalatay weerarkii qaraxa loo adeegsaday ee lagu qaaday kolonyo uu la socday maalin uu ku sii jeeday furimaha dagaalka ee HirShabeelle.

Madaxweynaha ayaa baddelay Taliyihii guutada ilaalada Madaxtooyada Qaranka, isagoo xilkaas u magacaabay G/Dhexe Maslax Maxamed Maxamuud oo ah sarkaal uu kalsooni badan ku qabo Xasan Sheekh.

Maslax oo qaraabo dhow ay yihiin Xasan Sheekh waa sarkaalka uu ugu kalsoonida badan yahay, wuxuuna ka soo dalacay Taliyaha Ilaalada Madaxweynaha, isagoo noqday Taliyaha guutada ilaalada Madaxtooyada iyo Madaxda Qaranka ee 77.

Inkastoo natiijo rasmi ah aan laga soo daarin baaritaanadii la sameeyey wixii ka dambeeyey maalintii degmada Xamarjajab lagu qarxiyey Madaxweynaha, hadana waxaa la qaaday tallaabooyin ay ku jirtay magacaabista Maslax oo kalsooni badan uu ku qabo Xasan Sheekh.

Weerarkii loo maleegay Madaxweynaha ee Alle ka badbaadiyey ayaa galaaftay nolosha dad shacab u badan, waxaana ka dhashay baaritaano xoog leh oo ilaa hadda aan natiijadooda la shaacin, balse waxaa la sheegay in magacaabidda sarkaalkaan lagu kalsoonyahay ay jawaab u tahay falkaas oo dunida dhan laga cambaareeyey.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa maalin ka hor baddelay Taliyihii ciidamada badda iyo ilaalada xeebaha Soomaaliya, waxaana xilkaas laga qaaday sarkaal u dhashay beesha Xawaadle oo Taliyaha Xoogga uu reysteeyey, laguna eedeeyey musuqmaasuq.

Maslax oo ah wiil dhalinyaro ah oo adeer uu u yahay Xasan Sheekh ayaa hadda laga dhigay Taliyaha guutada 77 ee ciidamada koofiya-casta oo ilaaliya madaxtooyada qaranka.

Sidoo kale, Maslax ayaa lagu xusuustaa doorkii uu ku lahaa xoreynta deegaanada ay beeshiisu degto ee Ceeldheer iyo Mesegawaa, halkaas oo beesha uu ka abaabulay si cadowga ay isaga difaacaan.

Maslax iyo beeshiisa Waceysle ayaa ku guuleystay inay iska dhiciyaan kooxda Al-Shabaab, kana difaacdaan dhulkooda, iyadoo aan ognahay in beelaha kale ee Abgaal intooda badan dhulkii laga qabsaday.

Dooxa Abriil 5, 2025 Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si adag u cambaareeyay xarig uu ku tilmaamay sharci darro oo ay laamaha ammaanka dowladda Federaalka u geysteen Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Shacabka, Cabdiraxmaan Saleebaan Jaamac.

Farmaajo ayaa sheegay in arrintani ay muujinayso jihada siyaasadeed ee uu qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, gaar ahaan nooca doorasho ee uu hiigsanayo.

“Xarigga sharci darrada ah ee laamaha ammaanka Federaalka Soomaaliya ay u geysteen Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Saleebaan Jaamac waxa uu muujinayaa nooca doorashada ee uu doonayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hannaanka siyaasadeed ee uu qaatay,” ayuu yiri Madaxweyne hore Farmaajo bayaan uu soo saaray maanta.

Isagoo ka hadlayay saameynta arrintan ay ku yeelan karto hannaanka dimoqraadiyadda iyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka, Farmaajo wuxuu ku baaqay in si degdeg ah xorriyaddiisa dib loogu celiyo Cabdiraxmaan Saleebaan Jaamac.

“Annaga oo muujinayna iinta uu xadgudubkaani ku yeelanayo xasilloonida siyaasadeed iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka, waxaan ugu baaqaynaa Madaxweynaha in uu xorriyaddiisa si deg deg ah ugu soo celiyo Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Shacabka ee sida sharci darrada ah loo beegsaday,” ayuu raaciyay.

“Hay’adaha ammaanka heer Federaal waxaan ku adkaynaynaa waajibaadka Dastuuriga ah ee ay u xilsaaran yihiin, iyaga oo ka fogaanaya tallaabooyinka noocaan ah ee wiiqaya kalsoonida shacabka Soomaaliyeed iyo sumcaddooda ciidannimo,” ayuu yiri.

Ugu dambeyn, Madaxweynihii hore ayaa Madaxweynaha hadda talada haya ugu baaqay in uu ka fogaado ficillo sababi kara hubanti la’aan siyaasadeed, isla markaana uu mudnaan siiyo dib u heshiisiinta iyo midnimada qaranka.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaan mar kale ugu baaqaynaa in uu ka waantoobo ficillada keenaya mugdiga iyo hubinti la’aanta siyaasadeed ee uu dalku ku jiro, marxaladdan adagna uu mudnaan siiyo soocelinta wadajirka iyo midnimada, si aynu awood ugu yeelanno in Qaranka Soomaaliyeed aynu ka samatabixinno duruufaha amni iyo jiritaan ee ku xeeran,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Farmaajo.

Muqdisho Abriil 5, 2025 Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa la sheegay inuu diidan yahay inuu xilka ku wareejiyo wasiirka cusub, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, oo la magacaabay 17-kii Maarso.

Ilo xog ogaal ah oo ku dhow arrintan ayaa sheegay in Wasiir Jibriil uu weli sugayo wareejin rasmi ah, balse ay muuqato in wasiirkii hore uusan diyaar u ahayn inuu fududeeyo hannaan xil wareejin.

Ilaa hadda lama shaacin sabab rasmi ah oo keentay dib-u-dhaca, hase yeeshee warar hoose ayaa tilmaamaya in Ra’iisul Wasaaraha uusan wali ka jawaabin cabasho rasmi ah oo uu gudbiyay wasiirka cusub.

Warbixino lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale sheegaya in dowladda Turkiga—oo ah lammaanaha milatari ee ugu dhow Soomaaliya—ay ka soo horjeedo xil ka qaadista Cabdulqaadir Maxamed Nuur. Turkigu waxa uu door weyn ku leeyahay amniga Soomaaliya, isagoo siiya ciidanka tababar, qalab iyo taageero gaar ah oo loogu talagalay unugyada khaaska ah.

Dhawaan, wasiirkii hore ayaa bartiisa Facebook soo dhigay sawir uu la taagan yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, arrin loo fasiray inay tahay farriin siyaasadeed oo muujinaysa xiriirka dhow ee uu la leeyahay Ankara.

Jaamac ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ku wehliyey safarkii uu dhowaan ku tegay Ankara, oo la xiriiray arrimo amni, taasi oo muujisay in uu weli haysto taageerada madaxweynaha iyo dowladda Turkiga.

Arrimahan ayaa imanaya ayada oo Dowladda Federaalka ay weli la daalaa-dhacayso weerarro sii kordhaya oo ay kooxda Al-Shabaab ka fulinayso gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, taasoo sii xoojisay baahida ay u qabto taageerada milatari ee Turkiga.

Dhanka kale, ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegay in dhowr dal oo xiriir amni la leh Soomaaliya ay cadaadis ku saareen Villa Somalia in la beddelo wasiirkii hore si loo xoojiyo iskaashiga dhanka amniga, si gaar ahna dowladda Mareykanka.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo horey u soo noqday Qunsulka Soomaaliya ee Turkiga, ayaa la aaminsan yahay inuu xiriir dhow la leeyahay hay’adaha sirdoonka Turkiga. Arrintan ayaa walaac ku abuurtay qaar ka mid ah saaxiibada caalamiga ah ee ka howlgala amniga Soomaaliya, kuwaas oo ka cabsi qaba in xogaha sirdoonka muhiimka ah ay si xad dhaaf ah ugu tiirsanaadaan hal waddan oo keliya.

Muqdisho Abriil 5, 2025  Beesha Caalamka ayaa weli cadaadis xooggan ku haysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayada oo dalbaneysa in gogosha wadatashiga qaran ee uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud laga dhigo mid ballaaran oo ay ka qeyb galaan dhammaan dhinacyada saamaynta ku leh siyaasadda dalka.

Diblomaasiyiinta ku sugan Xalane ayaa ku baaqay in aan la koobin wadahadalka oo keliya la-dagaallanka argagixisada, sida ay damacsan tahay Villa Somalia, balse sidoo kale lagu daro arrimaha siyaasadeed ee weli taagan, gaar ahaan khilaafka ka dhashay isbeddelka Dastuurka iyo hannaanka doorasho ee dalka. Waxay hoosta ka xariiqeen in loo baahan yahay wadahadal furan oo horseeda wadar-ogol siyaasadeed iyo xasillooni waarta.

Sida ay xaqiijinayaan ilo xog-ogaal ah, safiirradu waxay muujinayaan baahida degdegga ah ee loo qabo hannaan doorasho oo loo dhan yahay, islamarkaana ka tarjumaya xaqiiqada siyaasadeed ee dalka. Waxay sidoo kale adkeeyeen muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta ka dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada si loo ilaaliyo midnimada dalka, loogana hortago khilaafyo hor leh oo wiiqi kara dadaallada nabadeed.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay magaalada Muqdisho kulan wadatashi ah la yeeshay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, iyadoo lagu lafaguray sidii loo dardargelin lahaa howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada, sida ay sheegeen ilo ku dhow Madaxtooyada.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli uu madaxweynaha toddobaadkan ku dhawaaqay gogol wadatashi qaran oo uu sheegay in ay ka qeyb geli doonaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo qeybaha bulshada, si loo helo aragti mideysan oo ku saabsan la-dagaallanka argagixisada. Qorshahan ayaa si weyn loo soo dhaweeyay, gaar ahaan mucaaradka iyo ururada bulshada rayidka ah.

Si kastaba, warar hoose oo laga helayo Villa Somalia ayaa muujinaya in wali aan si rasmi ah loo shaacin jadwalka iyo ajandaha gogosha wadatashiga, balse uu qorshuhu yahay in diiradda la saaro la-dagaallanka argagixisada. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jirta baaq xooggan oo ku wajahan Villa Somalia si ay u ballaariso kulanka, una furto dhinacyada siyaasadda sida Puntland iyo Jubbaland oo aan wali qayb ka ahayn wadahadalka.

Kulanka Madaxweynaha iyo saddexda hoggaamiye goboleed ayaa loo arkaa hordhac u ah wadahadallo isdaba-joog ah oo lagu doonayo in lagu mideeyo aragtida siyaasadeed ee dalka, iyadoo la wajahayo xaalado amni iyo siyaasadeed oo isbiirsaday.

Madaxweynaha ayaa kulankan ku qabtay magaalada Muqdisho, maalmo kaddib markii uu dalka dib ugu soo laabtay safar hal maalin ah oo uu ku tagay dalka Turkiga

WARARKA MAANTA31ka Abriil 4, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yeey maanta haystaa laba daran mid dooro Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Foociye”? Maxayse beesha caalamka u jareen dhaqaalihii ay #Soomaaliya siin jireen? Yaa diiday inuu sameeyo #Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Foociye”? Yaa diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Foociye”? Yaa lacagtii dalka laga dhacay u soo diiday Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Foociye”?  Yaa diiday inay Dowladda Iyo Dowlad Gobaleedyada wadashaqeeyaan? Yaa qaban doona doorasho cod iyo qof Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Foociye”? 

Ha Wiqleyso! 

Muqdisho Abriil 4, 2025 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay dalka eriday Anna Saleem Högberg, oo aheyd qunsul iyo la-taliye sare oo u qaabilsan dowladda Sweden arrimaha iskaashiga horumarineed ee Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargeyska Global Bar Magazine oo soo xiganaya saraakiil Soomaali ah oo aan magacooda la shaacin.

Tallaabadan la tuhunsan yahay – oo aan weli aysan si rasmi ah u xaqiijin, dowladda Soomaaliya iyo tan Sweden toona – ayaa loo arkaa inay muujinayso khilaaf soo baxay oo dhaawici kara xiriirka guud ahaan wanaagsan ee labada dal ka dhexeeya.

Wargeyska fadhigiisu yahay magaalada Stockholm ayaa sheegay in go’aanka looga dhigay Ms. Högberg persona non grata – taas oo macnaheedu yahay qof aan laga rabin dalka – la gaaray bishii Maarso ee sanadkan.

Ilo xog-ogaal ah oo la hadlay wargeyska ayaa cayrinta ku sababeyey “xiriir aan wanaagsanayn” oo u dhexeeyey Högberg iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre. Warbixinta sidoo kale waxay sheegtay in Högberg lagu eedeeyey “inay sumcad-dil ku samaysay dowladda Soomaaliya.”

Weli wax war ah kama soo bixin xafiisyada rasmiga ah ee Muqdisho iyo Stockholm midna. Markii warbaahinta TT ee Sweden la xiriirtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden iyo Hay’adda Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah ee “Sida” – oo ay Högberg madax ka tahay barnaamijyo muhiim ah – labaduba way ka gaabsadeen in ay arrintaas faallo ka bixiyaan.

Warbixintan la sheegay ayaa imanaysa xilli labada dal ay dhowaan ku tilmaameen xiriirkooda mid taariikhi ah oo dhow, iyadoo uu sii xoojiyey taageero horumarineed oo ballaaran oo Sweden siiso Soomaaliya, iyo jaaliyad Soomaaliyeed oo weyn oo ku nool gudaha Sweden. Sweden waxay ka mid tahay saaxiibada ugu muhiimsan ee caalamiga ah ee Soomaaliya, iyada oo ay deeqaha ay bixiso ay maraan hay’adda Sida.

Sanadka 2024, wadarta guud ee deeqda ay Sweden siisay Soomaaliya waxay gaartay ku dhowaad 664 milyan oo koron oo Iswidish ah (qiyaastii $63 milyan oo doolar), iyadoo diiradda la saarayo nabad-dhisid, dimuqraadiyad, xuquuqda aadanaha, caafimaadka, u adkaysiga isbeddelka cimilada, iyo xoojinta hay’adaha dowladda. Kulammo heer sare ah oo dhacay bishii Decembar 2023 ayaa mar kale xaqiijiyey ballanqaadka labada dhinac ee ku aaddan iskaashi istiraatiiji ah.

Ms. Högberg, oo ah La-taliye Sare iyo Madaxa Qaybta Iskaashiga Horumarinta Soomaaliya ee safaaradda Sweden – inkasta oo safaaraddu ay ku taallo magaalada Nairobi, haddana ay Soomaaliya ka howl-gasho – ayaa tan iyo 2022 hoggaaminaysay barnaamij ballaaran oo ay Sida ka fuliso gudaha Soomaaliya.

Waxay horey u soo qabatay xil la mid ah oo la xiriira deeqaha Sweden ee dalka Suudaan. Istaraatiijiyadda hadda ee Sida ee Soomaaliya waxay diiradda saaraysaa horumar waqti dheer ah iyo taageero bani’aadamnimo, iyadoo loo marayo hay’ado ay ka mid yihiin Qaramada Midoobay, ururrada samafalka, iyo iskaashi lala leeyahay hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Iyadoo weli ay jirto aamusnaan rasmi ah, tallaabada lagu masaafuriyey diblumaasi sare – gaar ahaan mid gacanta ku haysa deeqaha horumarineed ee miisaanka leh – ayaa laga yaabaa inay dhibaato ku keento xiriirka diblomaasiyadeed, isla markaana ay abuuro walaac ku saabsan mustaqbalka barnaamijyada horumarineed ee socda.

Dowladda Soomaaliya waxay horey u masaafurisay diblumaasiyiin shisheeye, waxaana tusaale u ah ergay sare oo Qaramada Midoobay u joogay Soomaaliya oo la masaafuriyey sanadkii 2019, kadib markii lagu eedeeyey inuu faragelin ku sameeyey arrimo gudaha ah.

Muqdisho Abriil 4, 2025 Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Jubaland iyo kumaandooska Danab ay guul weyn ka gaareen howlgal ballaaran oo ay ka fuliyeen waqooyiga Gobolka Jubada hoose, halkaas oo ay bartilmaameedsadeen xubno ka tirsan Al shabaab.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Howlgalkan, oo si taxaddar leh loo diyaariyay, lagu weeraray fariisimo ay Kooxda Al shabaab  ku lahaayeen deegaanka Qabri Shariif ee Gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha howlgalkaan hogaamineysay ayaa shaaca ka qaaday in tiro badan oo ka tirsan dagaalamayaasha Al shabaab lagu dilay howlgalka inta uu socday, halka kuwa kale ay baxsadeen iyagoo dhaawac ah, balse ay ciidamadu si dhow u daba joogaan.

Sidoo kale Saraakiisha hoggaaminaysay hawlgalkaan ayaa caddeeyay in la burburiyay xarumihii ay Al shabaab kaga dhuumaalaysanaayeen deegaanka, isla markaana la fashiliyey qorshayaal ay damacsanaayeen inay fuliyaan.

Maalmihii ugu dambeeyay degaanada Jubbada Hoose waxa ay ciidamada Jubbaland ka wadeen howlgal ka dhan ah Kooxda Al shabaab iyo mid si guud loogu sugayo amaanka degaanada Jubalanad ay ka arrimiso.

Muqdisho Abriil 4, 2025 Dhawaan ayay ahayd markii tobanaan soo-galooti ah oo Maraykanka laga soo tarxiilay lagu xiray hoteel ku yaalla Panama – dadkaas waxaa ka mid ahaa Soomaali laga soo celiyay dalka Maraykanka, kuwaasoo dowladda Panama ay dooneyso in ay u dirto waddamada ay asal ahaan ka soo jeedaan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaan wax ka weydiinay waxa ay ka ogyihiin dadkaas iyo waxa ay u qorsheeyeen ilaa iyo haatan.

“Illaa hadda xogta aan hayno waxay tahay in Panama ay hadda ku sugan yihiin dad Soomaali ah oo laga soo tarxiilay Maraykanka,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Diinaari, oo ah la-taliye sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya illaa iyo hadda ma oga tirada saxda ah ee la keenay Panama, sida uu noo sheegay la-taliye Diinaari oo horey u hoggaamiyay howlgallo ay wasaaraddu dib ugu soo celisay dalka Soomaali muhaajiriin ahaa oo ku sugnaa waddamo kala duwan. Balse waxa uu qiray jiritaanka dadka Soomaalida ah ee Maraykanka laga keenay ee ku sugan Panama.

“Dadkaas illaa hadda lambarkooda sax ah ma hayno, laakiin waxaa naloo hayaa macluumaadkooda,” ayuu yidhi Diinaari isagoo ka warbixinaya xaaladda.

Si xal loogu helo arrinta Soomaalida muhaajiriinta ah ee la keenay Panama, waxa uu sheegay Diinaari in tallaabada ugu horreysa ee ay ugu baaqayaan dadkaas tahay in ay xiriir la sameeyaan safaaradda Soomaaliya ee ku taalla caasimadda Havana ee dalka Cuba.

Waxaa xusid mudan in xiriirka Soomaaliya iyo Cuba dib loo soo celiyay sanadkii 2023, kadib muddo 46 sano ah. Hase yeeshee, Soomaalida la sheegay in ay ku sugan yihiin Panama iyo safaaradda Soomaaliya ee Cuba xad toos ah ma leh, waxaana u dhexeeya badda Karibiyaanka.

“Waxaan rajaynayaa oo aan rabaa in aan dadkaas la socodsiiyo in safaaradda aanu ku leenahay Cuba ay la xiriiraan, si ay u helaan taakulo ama gacan ka helaan sidii ay meeshaas uga soo bixi lahaayeen – waxaan filayaa in safiirku uu diyaar u yahay,” ayuu yiri.

Si kastaba ha ahaatee, ma uusan xusin habka ay ula xiriiri karaan safaaradda ama sida ay halkaas ugu tegi karaan, maadaama aysan jirin xad toos ah oo u dhexeeya labada waddan – midka ay ku sugan yihiin iyo halka safaaradda Soomaaliya ay ku taallo, oo ay masaafo ahaan kala fog yihiin 1,478 km.

“Safaaradda Washington iyo xafiiska aanu ku leenahay New York waxay wadaan dadaallo ay kula shaqeynayaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, si dadkaas dib loogu soo celiyo dalkooda. Xiriirkaasna wuu socdaa,” ayuu yiri Diinaari, isaga oo caddeynaya in safaaradda Soomaaliya ee Washington iyo dowladda Maraykanka ay ka wada shaqeynayaan dib u soo celinta dadka Soomaalida ah ee la soo tarxiilay.

Xukuumaddii madaxweyne Donald Trump ayaa bilowday qorshaheeda masaafurinta dadka si aan sharci ahayn ku soo galay dalka Maraykanka, arrintaas oo uu madaxweynuhu si toos ah u amray. Masaafurinta dadkaasi waxay ahayd tiir weyn oo ka mid ahaa ol’olihiisii doorashada.

Muqdisho Abriil 4, 2025 Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, ayaa maanta shirkii Khamiis-laha ahaa ee golaha wasiirrada ku soo bandhigtay warbixin ku saabsan halka ay marayaan howlaha shidaal baarista ee socda iyo caqabadaha jira.

Wasaaradda ayaa warbixinteeda ku caddeysay in ka hor dhammaadka sanadkan 2025 la soo gabagabeyn doono shaqada baarista ee loo yaqaan (3D Seismic Survey).

Sidoo kale, wasaaradda ayaa warbixinteeda ku sheegtay in sanadkaan inta uusan dhamaan la qorsheynayo in la cayimo ‘goobaha shidaalku ceegaago, looguna gudbo heerka xiga ee qodaalka ceelasha shidaalka.’

Maraakiibta Turkiga ayaa weli ku jira badda Soomaaliya, kuwaas oo shidaal ka baaraya goobo ku aadan degmooyinka Hobyo iyo Ceeldheer ee gobollada Mudug iyo Galgaduud ee Galmudug.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Dowladda Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, oo 10-kii bishii hore wareysi siiyey idaacadii la xiray ee VOA ayaa sheegay in 70% la dhameeyay sahminta shidaalka Soomaaliya, taas oo ka dhigan in badankeedu soo idlaatay shaqadii ka socotay badda Soomaaliya dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay.

Wasiir Daahir Shire ayaa sheegay in Soomaaliya ay noqon karto mustaqbalka dhow dal helay shidaal aad u badan, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay sahminta socota inay wada guuleysan doonto, isagoo soo xiganaya injineerrada ku jira shaqada.

Dowladda Soomaaliya oo heshiis shidaal baaris kula jirta dowladda Turkiga ayaa sidoo kale albaabada u furtay dowlado kale oo Azerbaijan ay ku jirto, sidoo kale waxay xayeysiin u sameysay xirmooyin hor leh oo shidaal baaris ah, kuwaas oo u tartamayaan shirkado waaweyn oo caalami ah.

Kadib sahminta shidaalka maxaa xiga?

Marka ay soo dhammaato howsha sahminta, waxaa lagu dhaqaaqi doonaa qodista shidaalka, sida ay qorsheyneyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Badda Soomaaliya waxaa ku yaalla in ka badan 200 xirmo oo la rumeysan yahay inuu shidaal ka buuxo, kuwaas oo aan badankood sahmin lagu sameyn sababo la xiriira walaaca dhanka amniga iyo khilaafaadka ka jira dalka.

Horraantii sanadkii tegay ee 2024 ayay ahayd markii Soomaaliya iyo Turkiga gaareen heshiis lagu sahminayo shidaalka iyo macdanta kale ee badda ku jirta.

Dabayaaqadii isla sanadkaas, markabka baaritaanka ee Turkiga, Oruç Reis, ayaa soo gaaray dekedda Muqdisho, wuxuuna ruqaansaday goobaha loo arko inay ku habboon yihiin baarista, si loo sumadeeyo meelaha lagu arko kheyraadka la qorsheynayo in la soo saaro.

Marka la helo natiijo la isku halleyn karo, kadib ayaa la guda geli doonaa soo saarista shidaalka, sida uu dhigayo heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga.

Muqdisho Abriil 4, 2025– Dhawaan ayay ahayd markii tobanaan soo-galooti ah oo Maraykanka laga soo tarxiilay lagu xiray hoteel ku yaalla Panama – dadkaas waxaa ka mid ahaa Soomaali laga soo celiyay dalka Maraykanka, kuwaasoo dowladda Panama ay dooneyso in ay u dirto waddamada ay asal ahaan ka soo jeedaan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaan wax ka weydiinay waxa ay ka ogyihiin dadkaas iyo waxa ay u qorsheeyeen ilaa iyo haatan.

“Illaa hadda xogta aan hayno waxay tahay in Panama ay hadda ku sugan yihiin dad Soomaali ah oo laga soo tarxiilay Maraykanka,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Diinaari, oo ah la-taliye sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya illaa iyo hadda ma oga tirada saxda ah ee la keenay Panama, sida uu noo sheegay la-taliye Diinaari oo horey u hoggaamiyay howlgallo ay wasaaraddu dib ugu soo celisay dalka Soomaali muhaajiriin ahaa oo ku sugnaa waddamo kala duwan. Balse waxa uu qiray jiritaanka dadka Soomaalida ah ee Maraykanka laga keenay ee ku sugan Panama.

“Dadkaas illaa hadda lambarkooda sax ah ma hayno, laakiin waxaa naloo hayaa macluumaadkooda,” ayuu yidhi Diinaari isagoo ka warbixinaya xaaladda.

Si xal loogu helo arrinta Soomaalida muhaajiriinta ah ee la keenay Panama, waxa uu sheegay Diinaari in tallaabada ugu horreysa ee ay ugu baaqayaan dadkaas tahay in ay xiriir la sameeyaan safaaradda Soomaaliya ee ku taalla caasimadda Havana ee dalka Cuba.

Waxaa xusid mudan in xiriirka Soomaaliya iyo Cuba dib loo soo celiyay sanadkii 2023, kadib muddo 46 sano ah. Hase yeeshee, Soomaalida la sheegay in ay ku sugan yihiin Panama iyo safaaradda Soomaaliya ee Cuba xad toos ah ma leh, waxaana u dhexeeya badda Karibiyaanka.

“Waxaan rajaynayaa oo aan rabaa in aan dadkaas la socodsiiyo in safaaradda aanu ku leenahay Cuba ay la xiriiraan, si ay u helaan taakulo ama gacan ka helaan sidii ay meeshaas uga soo bixi lahaayeen – waxaan filayaa in safiirku uu diyaar u yahay,” ayuu yiri.

Turkiga  Abriil 4, 2025Dowladda Turkiga ayaa qorsheynaysa inay toddobaadyada soo socda Soomaaliya u dirto cutub ka tirsan shirkadda milatari ee gaar loo leeyahay ee SADAT, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ay soo xigatay xarunta cilmi-baarista Horn Review.

Go’aankan ayaa yimid kadib codsi rasmi ah oo uga yimid madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo todobaadkii hore si rasmi ah loogu soo dhoweeyay Ankara, halkaas oo uu kulan kula yeeshay dhiggiisa Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.

Ujeeddada socdaalkan ayaa ah in lagu xoojiyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan deegaannada ay ka tirsan yihiin gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose ee bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay isla ilo-wareedyadaas, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa codsatay in illaa saddex sarkaal oo ka tirsan SADAT loo xil saaro hoggaaminta hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Shaqadooda ugu weyn ayaa noqon doonta sugidda amniga deegaannada muhiimka ah ee magaalooyinka iyo miyiga, si loo xaqiijiyo xasillooni ka hanaqaadda dooxada Shabeelle – meel istiraatiiji ah oo dowladda Soomaaliya aad uga walaacsan tahay amnigeeda.

Marka laga soo tago howlgallada argagixisada, soo dirista SADAT ayaa la filayaa inay qayb ka noqoto danaha istiraatiijiga ah ee Turkiga. Ilo sirdoon oo uu soo xigtay Horn Review ayaa sheegay in Turkigu qorsheynayo inuu ka hirgeliyo xarun tijaabo gantaalaha ridada fog ah gobolka Shabeellaha Dhexe, waqooyiga Muqdisho – tallaabo muujinaysa xiriirka milatari ee sii xoogeysanaya ee ka dhaxeeya Ankara iyo Muqdisho.

Haddii xaruntan la xaqiijiyo, waxay noqon doontaa koror la taaban karo oo ku yimaadda istaraatiijiyadda Turkiga ee gobolka, taasoo adkeyn doonta joogitaankiisa muddada fog ee Geeska Afrika.

Turkigu ma ahan ciyaaryahan cusub oo ku sugan Soomaaliya. Tobankii sano ee la soo dhaafay, Ankara waxay noqotay saaxiib dhow oo muhiim u ah Muqdisho, iyadoo bixisay barnaamijyo tababar ciidan, maalgashi dhanka kaabeyaasha dhaqaale iyo gargaar dhaqaale oo ballaaran.

Saldhigga milatari ee Turkigu ku leeyahay Muqdisho ayaa weli ah mid ka mid ah xarumaha shisheeye ee ugu waaweyn ee ku yaalla gudaha Soomaaliya, waana astaanta sida uga go’an Turkiga inuu qayb ka noqdo qaab-dhismeedka amniga ee dalka.

Haddii dirista SADAT la xaqiijiyo, waxay noqon doontaa marxalad cusub oo muhiim ah oo ku saabsan siyaasadda difaaca iyo arrimaha dibadda ee Turkiga ee Qaaradda Afrika.

Shirkadda SADAT – oo ah qandaraasle milatari oo gaar loo leeyahay – ayaa si isa soo taraysa loola barbardhigayaa kooxda Wagner ee Ruushka, oo hadda loo yaqaan “Africa Corps,” sababo la xiriira howlaheeda qarsoodiga ah iyo sida ay ugu adeegto danaha istiraatiijiga ah ee Ankara.

SADAT waxay ku takhasustay tababarka ciidamada, adeegyada la-talinta milatari, iyo ka qeybgalka dagaallo toos ah oo ka dhaca meelaha ay Turkigu dano ku leeyahay. Ka qaybgalkeeda Soomaaliya ayaa sii xoojin doona doorka ay Turkigu ka ciyaarayo amniga Afrika.

Warbixinta Horn Review waxay sheegaysaa in qorshahan uu su’aalo muhiim ah ka keenayo habka dib loogu eegayo amniga gobolka. Inkasta oo dowladda Soomaaliya ay si wanaagsan u soo dhoweysay taageerada Ankara, haddana dalal kale oo saameyn ku leh gobolka ama caalamka ayaa laga yaabaa inay tallaabadan u arkaan mid lagu muransan yahay.

Isticmaalka shirkadaha milatari ee gaar loo leeyahay oo loo adeegsado siyaasad dibadeed ayaa sidoo kale halis u ah inuu kiciyo tartan u dhexeeya quwadaha shisheeye ee ku loolamaya saameynta Geeska Afrika.

Saameynta sii kordheysa ee Turkiga ee gudaha Soomaaliya ayaa laga yaabaa inay dhaliso jawaab celin ka timaadda dalalka gobolka sida Isutagga Imaaraadka Carabta, oo isna si firfircoon uga qaybqaata arrimaha amniga Soomaaliya.

Sidoo kale, waddamada reer Galbeedka ee si dhow ula socda xaaladda amniga Geeska Afrika ayaa laga yaabaa inay si dhow u eegaan dhaqdhaqaaqyada SADAT, maadaama ay jiraan walaacyo la xiriira hufnaanta shirkadaha milatari ee gaarka loo leeyahay iyo sida ay ula jaanqaadaan danaha siyaasadeed ee dowladaha ay matalaan.

Iyadoo Turkigu sii ballaarinayo doorkiisa amni ee Soomaaliya, Horn Review waxay sheegtay in bilooyinka soo socda ay muhiim u noqon doonaan in la arko sida ay u saamayn doonto joogitaanka SADAT dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Waxaa weli taagan su’aasha ah in tallaabadan ay keeni doonto xasillooni dheeraad ah mise ay sii murjin doonto faragelinta shisheeye ee milatari ee Soomaaliya – arrin si weyn indhaha loogu hayo oo muhiim u ah istaraatiijiyadda gobolka.

WARARKA MAANTA31ka Abriil 2, 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta:  Yaa #Soomaaliya ka dhigay dalka adduunka ugu musuqmaasuqa badan  Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay dastuurkii federaalka ee lagu doortay  Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” ? Yaa diiday inay shacabka #Muqdisho samaystaan #Maqaamka #Muqdisho  Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” ? Yaa diiday inuu sameeyo #Maxkammad Dastuuri ah  Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” ? Yaa ogolaaday inay xaasaskiisa baad iyo dul-saar ka qaataan shirkado kala duwan ee ka dhex shaqeeya #Soomaaluya  Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” ? Yaa xilal u dhiibay qoyskiisa  Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” ? Yaa beesha caalamka lacago uga xanibtay dibadda  Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” ? Yaa markii labaad ku fashilmay xukunka dalka  Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” ? Yaa raba inuu dalka ku wareejiyo argagixisada #Shabaab? Yaa burburiyey ciidankii dalka  Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” ? Yaa ogolaaday in raashinka ciidanka la iibsho  Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” ? Yaa qabuuraha faagay oo lacag ka sameeyey  Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” ? Yaa aboor noqday oo hadda beesha caalamka ay ugu baaqday inuu iscasilo? 

Ha Wiqleyso! 

oggaamiyaha Macawiisleyda beesha Duduble Ibraahim Qoobey ayaa ka warbixiyay howlgallo ay ka fuliyeen deegaano hoos taga Ceelbuur oo kooxda Al-Shabaab ay ku beegsadeen, isagoo qiray in dhankooda uu khasaare culus ka soo gaaray howlgalladii ay fuliyeen.

Qoobey ayaa sheegay in bartilmaameedkoodu uu ahaa saldhig ay Shabaab ku leeyihiin deegaanka Ceelgaras, halkaas oo sida uu sheegay ay kala kulmeen dagaal culus oo sababay in ragoodii qaar la dilay, iyaguna ay Shabaab badan soo dileen.

Xogta ay howlgalkaas ka heshay Caasimada Online ayaa muujineysa in beesha Duduble ay ku milantay kooxda Al-Shabaab, isla markaana ciidamada xaq u dirirka ah ee macawiisley ay mar kale galeen xaalad quus ah.

Hadaba sidey wax u dhaceen?

Habeenkii Axada rag aad u hubeysan oo macawiisleyda beesha Duduble ka tirsan oo 15 nin ah ayaa howlgal u aaday gudaha Al-Shabaab, bartilmaameedkoodu wuxuu ahaa inay soo dilaan xubno sare oo Shabaab ah oo loogu sheegay inay joogeen deegaanka Ceelgaras oo dhaca inta u dhaxeysa Ceelbuur iyo Dhuusamareeb, kaas oo 40 KM qiyaastii u jira Dhuusamareeb.

Macawiisleydii Duduble waxay xili habeen ah galeen Ceelgaras, waxay weerareen saldhigii loogu sheegay in ragaasi ay joogaan, balse iyaga ayaa dabin loo dhigay, waxaana dhinac kasta looga soo furay rasaas, halkaas waxaa looga dilay afar nin.

11 nin oo is difaacday, kana soo baxsatay goobtii lagu shir-qoolay ayaa labo jeer oo kale jidka loo galay, waxaana laga sii dilay rag kale, ugu dambeyntii rag tiro yar oo qaarkood hubkii tuuray ayaa ku laabtay Dhuusamareeb, waxaana halkaas ka dhacay shir-qool ka duwan kii ay qorsheeyeen raggaan xaq u dirirka ah.

Al-Shabaab dhankooda khasaare culus ayaa ka soo gaaray dhowrkii goobood ee la isku fara saaray, balse waxay gudaha magaalada Ceelgaras ku soo bandhigeen meydadka afar kamid ah mujaahidiintii xaq u dirirka aheyd ee beesha Duduble.

Hadaba yaa laga shakiyey?

Markii ragga weerarka fuliyey ay ka baxayeen xerada, waxay uga tageen rag kale oo ka tirsan macawiisleyda beesha Duduble ee Dhuusamareeb degan, waxaa jira rag laga shakisan yahay inay bixiyeen xogta ciidankii howlgalka aaday.

Shakiga waxaa abuuray qorshaha Al-Shabaab ee loo diyaariyey raggii weerarka fuliyey, marka koowaad waxaa loo baneeyey goobtii ay bartilmaameedsanayeen, marka xigta waxaa si horay loo sii qorsheeyey loo soo weeraray markii ay rideen inta badan rasaastii ay wateen, mar kale ayaa hadana loo dhigay labo jid-gooyo, laakiin ragga qaar waa badbaadeen oo waxay ku laabteen Dhuusamareeb, qaarna waa la dilay.

Ilo wareedyo amni ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in habeeno ka hor intii aan la qaadin howlgalkaan guul dareystay ay Ciidamada NISA ee Dhuusamareeb degan ay tageen taliska Macawiisleyda beesha Duduble, halkaas oo ay ka soo wateen labo nin oo looga shakisan yahay inay xiriir ama wada shaqeyn la leeyihiin Al-Shabaab.

Turkiga Abriil 2, 2025 Türkiye ayaa sare u qaaday taageerada ay siiso Soomaaliya ee hawlgallada ka dhanka ah argagixisada, iyadoo geysay diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha lahayn (UCAV), bixisay tababbarro milatari, isla markaana xoojisay iskaashiga difaaca labada dal, sida laga soo xigtay wargeyska Türkiye Daily.

Türkiye ayaa dowladda Soomaaliya u dirtay diyaarado casri ah oo aan duuliye lahayn oo ay soo saartay shirkadda Baykar, sida Bayraktar TB2 iyo diyaaradaha dagaalka ee Akinci, taasoo qeyb ka ah dadaallada ballaaran ee lagu sugayo amniga qaranka Soomaaliya.

• Diyaaradaha Bayraktar TB2 ayaa markii ugu horreysay Soomaaliya la keenay sannadkii 2022 si ay u taageeraan hawlgallada sahanka iyo weerarrada bartilmaameedsan.

• Diyaaradaha Akinci UCAV oo dhawaan Soomaaliya loo keenay iyadoo la adeegsanayo diyaaradda gaadiidka milatariga ee A400M ayaa durba hawlgallo billaabay.

• Waxaa socda wadahadallo lagu keenayo helikobtarada T129 Atak si loo kordhiyo awoodda dhaqdhaqaaqa iyo weerarrada ka dhanka ah argagixisada.

Diyaaradahan ayaa hadda si firfircoon loogu isticmaalayaa ilaalinta dowladda Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada Turkiga ayaa tababarro milatari oo ballaaran siinaya ciidamada Soomaaliya, iyadoo loo marayo Taliska Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya (oo loo soo gaabiyo STGK), kaas oo si dhow ula shaqeeya dowladda Soomaaliya. Hase yeeshee, ilo wareedyo ayaa sheegay in ciidamada Turkigu aysan ka qaybqaadan doonin dagaallada tooska ah.

Doorka ciidamada Turkiga ayaa ku koobnaan doona bixinta taageero farsamo iyo talobixin la xiriirta howlgalka ciidamada Soomaaliya ee la dagaallanka kooxaha argagixisada. Ammaanka xarunta ciidamada Turkiga ee Soomaaliya ayaa sidoo kale la xoojiyay, iyadoo la tixgelinayo xaaladaha dhowaan dhacay.

Taageerada milatariga ee ballaaran ee Türkiye

Soomaaliya ayaa ka mid ah 47 dal oo kaalmo milatari ka hela Türkiye. Ankara ayaa sii wadday inay saameynteeda ku xoojiso gobolka iyadoo toos u bixisa taageerada difaaca, iskaashiga milatariga, tababarrada iyo hubka, taasoo waafaqsan danaha istaraatiijiga ah ee ay ka leedahay Geeska Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday Ankara kadib markii uu ka badbaaday isku day dil oo dhowaan lala beegsaday, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

War kasoo baxay Agaasinka Isgaarsiinta ee Dowladda Turkiga ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay ka wada-hadleen xiriirka labada dal iyo arrimaha caalamiga ah iyo kuwa gobolka.

Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Ankara, ayaa Erdogan sheegay in Ankara muhiimad weyn siineyso nabadda, amniga iyo midnimada Soomaaliya, isla markaana taageerada Türkiye ay sii socon doonto si joogto ah illaa laga gaarayo nabad iyo xasilooni waarta oo Soomaaliya iyo Itoobiya dhexmarta.

Erdogan ayaa intaas ku daray in iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye ee la dagaallanka argagixisada uu sii kordhi doono, isagoo hoosta ka xarriiqay in Türkiye mar walba garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed ee ka hortagga argagixisada. Waxa uu sidoo kale sheegay muhiimadda iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, amniga iyo difaaca.

Türkiye ayaa u aragta joogitaankeeda Soomaaliya inuu muhiim u yahay ilaalinta booskeeda istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika. Iyadoo adeegsanaysa tababarrada milatariga, taageerada diyaaradaha dagaalka ee UCAV iyo heshiisyada helikobtarada, Türkiye ayaa doonaysa inay gacan weyn ka geysato xasilinta iyo sugidda ammaanka gobolka iyada oo aan si toos ah ugu lug yeelan dagaallada.

Istaa’iil  Abriil 2, 2025 Booliiska Israa’iil ayaa Isniintii xiray laba ka mid ah la-taliyeyaasha ugu dhow Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, iyadoo fadeexadda loo bixiyay “Qatargate” ay sii xoogaysatay gudaha Israa’iil.

Jonathan Urich, oo ah la-taliyaha sare ee warbaahinta ee Netanyahu, iyo Eli Feldstein, oo ah afhayeenkiisa arrimaha militariga, ayaa lagu xiray baaritaan lagu sameynayo xiriirka ka dhexeeya xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil iyo saraakiisha dowladda Qatar.

Labadan mas’uul ayaa lagu eedeeyay inay xiriir la yeesheen wakiil ajnabi ah, lacag dhaqid, laaluush qaadasho, musuq-maasuq iyo khiyaano.

Netanyahu, oo isla maalintaas maxkamad ku sugnaa isagoo ka jawaabaya dacwado isaga lagu soo eedeeyay oo la xiriira musuq-maasuq iyo khiyaano, ayaa lagu khasbay inuu ka baxo maxkamadda si uu uga jawaabo baaritaanka lagu hayo dadka isaga ku dhow.

Waxaa sidoo kale loo yeeray wariye aan magaciisa la shaacin, kaas oo isagana lala xiriirinayo fadeexaddan. Warbaahinta Haaretz ayaa sheegtay in booliisku dhawaan u yeeri doonaan wariyeyaal kale oo arrintan looga shakisan yahay.

Baaritaanka ayaa hadda lagu soo rogay amar xayiraad xogeed, waxaana jira faahfaahin badan oo aan weli shaaca laga qaadin. Wararka laga helayo Israa’iil ayaa sheegaya in Urich, Feldstein iyo dadka kale ee lagu tuhunsan yahay ay fariimo u direen wariyeyaal iyadoo loogu adeegayo dowladda Qatar. Fariimahaas ayaa u muuqday kuwo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil.

Eran Etzion, oo hore u ahaa ku-xigeenka Golaha Ammaanka Qaranka ee Israa’iil ayaa u sheegay Middle East Eye in ay weli adag tahay in la qiimeeyo heerka halista fadeexaddan, balse “haddii Urich iyo Feldstein ay ka shaqaynayeen xafiiska ra’iisul wasaaraha, isla markaana ay u adeegayeen Qatar, waxaa laga yaabaa inay heleen xog sir ah.”

“Marka heerka ugu sarreeya ee sharciga la eego, waxay noqon kartaa in xafiiska ra’iisul wasaaraha laga shaqaaleysiiyay wakiillo laba dhinac u adeegaya, taasoo loo aqoonsan karo khatar amniga qaranka iyo khiyaano qaran,” ayuu yiri Etzion.

‘Qatargate’

Fadeexadda ay warbaahinta Israa’iil ugu yeertay “Qatargate” ayaa markii ugu horraysay waxaa shaaciyay wargeyska Haaretz bishii November.

Sida uu sheegay wargeyska, Urich iyo Srulik Einhorn, oo muddo dheer la-taliye u ahaa Netanyahu, ayaa Qatar u shaqeynayay kahor Koobka Adduunka 2022 oo lagu qabtay dalkaasi Khaliijka ah.

Labadan nin ayaa shirkadooda Perception u isticmaalay inay hagaajiyaan sumcadda Qatar oo ay u muujiyaan in ay tahay dal u ololaynaya “nabad iyo xasillooni dunida ah.” Waxay sidoo kale gudaha Israa’iil ku soo bandhigayeen ololaha Qatar, iyagoo wariyeyaal Israa’iili ah ku casuumay Qatar.

Bishii February, Channel 12 ayaa shaacisay in Feldstein isagana uu ku lug lahaa fadeexadda. Sida lagu sheegay warbixintaas, Feldstein waxaa shaqaalaysiiyay shirkad gaar loo leeyahay oo ay maalgeliso Qatar, si uu u wanaajiyo muuqaalka Qatar ee Israa’iil, gaar ahaan kaalinteeda wada-xaajoodka Israa’iil iyo Hamas oo Qatar dhex-dhexaadinayso.

Feldstein ayaa hore loogu xiray tuhun ah inuu sirro la xiriira Hamas u gudbiyay wargeyska Jewish Chronicle ee Ingiriiska iyo Bild ee Jarmalka. Warbixinnadaas ayaa markii dambe la ogaaday inay ahaayeen been abuur, taasoo sababtay in Jewish Chronicle uu ka saaro maqaallo badan boggiisa internet-ka, isla markaana afar ka mid ah qorayaashooda caanka ahi ay is-casileen. Arrintan ayaa sidoo kale dhalisay su’aalo la xiriira Robbie Gibb, oo ka tirsan maamulka BBC-da.

Bishii hore, Channel 13 ayaa daabacday in Feldstein uu soo abaabulay safar Qatar loogu qaaday Zvika Klein, oo ah tifaftiraha wargeyska garabka midig ee Jerusalem Post. Feldstein oo aan ka qaadan wax mushaar ah xafiiska Netanyahu, ayaa lagu soo warramayaa inuu la shaqaynayay Jay Footlik, oo ah ololeeye Mareykan ah oo dowladda Qatar u shaqeeya.

Netanyahu iyo Shin Bet

Kadib markii warbixino badan oo arrintan ku saabsan la daabacay, xeer ilaaliyaha guud ee Israa’iil Gali Baharav-Miara ayaa bishii hore amartay in baaritaan rasmi ah la bilaabo, kadib baaritaan amni oo ay fuliyay Shin Bet, oo ah hay’adda amniga gudaha Israa’iil.

Etzion ayaa sheegay in haddii Netanyahu uu ka war hayay shaqada ay la-taliyeyaashiisu u qabanayeen Qatar, ay xaaladdiisu aad u xun tahay, haddii uusan ogeynna ay arrintu weli khatar badan tahay.

Muddo dheer ayuu sheegay in Netanyahu dagaal adag kula jiray nidaamka caddaaladda Israa’iil, hadda se ay hay’adaha fulinta sharciga noqdeen kuwo daciif ah.

Netanyahu ayaa gabi ahaanba beeniyay eedeymaha ka dhanka ah la-taliyayaashiisa, isagoo sheegay in baaritaanku yahay ugaarsi siyaasadeed. Xisbiga Likud ayaa sidoo kale sheegay in baaritaanku yahay “isku day lagu doonayo in lagu dilo dimoqraadiyadda.”

Horraantii bishan, Netanyahu ayaa isku dayay inuu shaqada ka eryo madaxa Shin Bet, Ronen Bar, balse Maxkamadda Sare ayaa tallaabadaas hakisay illaa ay ka qabtaan dhegeysi bisha soo socota.

Tan iyo markii fadeexadda “Qatargate” shaaca laga qaaday, Netanyahu wuxuu ku celceliyay in uu jiro qorshe hoose (Deep State) oo isaga laga soo horjeedo, isagoo bartiisa TikTok ku sheegay in dowlad-hoosaadka “garabka bidix” ay doonayaan in isaga iyo xukuumaddiisu noqdaan “ubax lagu qurxiyo keliya.”

Netanyahu ayaa sidoo kale muuqaal uu soo duubay ku sheegay in Urich iyo Feldstein ay yihiin “la haystayaal,” taasoo dhalisay dhaleeceyn gudaha Israa’iil ka timid, gaar ahaan qoysaska dadka ay Hamas gacanta ku hayso ee Gaza.

Sacuudi Arabia Abriil 2, 2025 Sacuudi Carabiya iyo dalalka kale ee Khaliijka ayaa mamnuucay in diyaaradaha dagaalka ee Maraykanku isticmaalaan garoomadooda ama hawadooda si ay weerar ugu qaadaan Iran, kaddib markii Madaxweyne Donald Trump dhammaadkii toddobaadkan ku hanjabay inuu dalkaas duqeyn doono.

Sacuudiga, Imaaraadka, Qatar iyo Kuwait ayaa dhammaantood Maraykanka u sheegay in aysan oggolaan doonin in dalalkooda iyo hawadooda loo adeegsado weerarro ka dhan ah Iran, xitaa haddii ay tahay hawlgallada shidaalka iyo gurmadka diyaaradaha, sida uu Middle East Eye u xaqiijiyay sarkaal sare oo Maraykan ah oo codsaday inaan magaciisa la shaacin.

“Ma doonayaan inay qeyb ka noqdaan dagaalkan,” ayuu yiri sarkaalkaasi.

Go’aanka adag ee dalalka Khaliijka ayaa dhabarjab ku ah maamulka Trump oo rajeynayay inuu duqeymo culus oo ka dhan ah Xuuthiyiinta Yemen ku cadaadiyo Tehran si ay u aqbasho wadaxaajood cusub oo nukliyeer ah.

Haddii Iran ogaato in dalalka Khaliijka aysan taageero siinayn weerarrada Maraykanka, waxay arrintaasi sii adkeyn kartaa mowqifka wadaxaajood ee Tehran.

Markii hore dalalka Khaliijka ayaa aad u dabacsanaa arrinta weerarrada Xuuthiyiinta Yemen, sida uu sheegay sarkaal hore oo Maraykan ah oo xog ogaal u ah arrintaas. Sarkaalkan ma shaacin dalalka loo adeegsaday saldhigyada duqeymahaasi.

Maamulka Trump ayaa si weyn ugu dadaalayay inuu helo taageerada dalalka Khaliijka, si uu u kordhiyo cadaadiska uu saarayo Iran. Saraakiil ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga iyo sirdoonka Maraykanka ayaa bishii Maarso kulan kula yeeshay Washington dhiggooda Imaaraadka iyo Sacuudiga.

Maamulka Trump ayaa isla markiiba ansixiyay iibka hub muddo dheer hakad galay oo loo diray Qatar iyo Sacuudiga. Doha ayaa loo oggolaaday inay iibsato diyaaradaha drone-ka ah ee MQ-9 Reaper, halka Riyadh loo ansixiyay hubka gantaalaha aan hagaha lahayn loo beddelo kuwa haggan.

Trump ayaa Isniintii sheegay inuu qorsheynayo inuu booqdo Sacuudiga iyo dalal kale oo Khaliijka ah bisha May.

Maraykanka ayaa hadda u weecday saldhigga Diego Garcia ee Badweynta Hindiya, kadib markii dalalka Khaliijku xayireen adeegsiga hawadooda. Saldhiggan ayaa hore loogu adeegsaday weerarradii 1990-meeyadii lagu qaaday Ciraaq, markii Sacuudigu hakiyay isticmaalka garoomadiisa.

Diyaaradaha B-2 ee saldhigga Diego Garcia ayaa awood u leh inay qaadaan bamamka culus ee loo yaqaan “bunker-buster,” kuwaas oo burburin kara xarumaha nukliyeerka ee Iran ee dhulka hoostiisa ku yaalla.

Iran ayaa hore u digniin siisay dalalka Khaliijka bishii Oktoobar 2024, iyadoo ku hanjabtay inay duqeyn doonto xarumahooda shidaalka haddii Israa’iil weerarto xarumaha tamarta ee Iran. Si kastaba ha ahaatee, haddii Maraykanku weerar ku qaado Iran isaga oo adeegsanaya Diego Garcia, waxaa Tehran ku adkaanaysa inay cabsigeliso dalalka Khaliijka.

Warbixin uu qoray wargeyska The Telegraph ayaa sheegtay in taliyeyaasha ciidamada Iran lagu cadaadinayo inay weerar ka hortag ah ku qaadaan saldhigga Diego Garcia.

Trump ayaa sii kordhiyay xiisadda gobolka, isagoo Sabtidii sheegay in Iran wajihi doonto “duqeyn aysan waligeed arag” haddii aysan aqbalin heshiiska cusub ee nukliyeerka. Maamulka Trump ayaa doonaya inuu gebi ahaanba burburiyo awoodda nukliyeerka ee Iran, halka Tehran ay ku adkeysaneyso in barnaamijkeedu yahay mid nabadeed.

Dhanka kale, Maraykanka ayaa xoojiyay joogitaankiisa militari ee gobolka, isagoo gobolka u diray laba markab oo diyaaradaha xambaara, halka ciidamada Maraykanka ee Bariga Dhexe ay hadda gaareen ku dhawaad 40,000 oo askari oo ku kala sugan dalalka Khaliijka sida Sacuudiga, Imaaraadka, Kuwait, Qatar iyo Bahrain.

Muqdisho Abriil 2, 2025 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan ku dhawaaqay inuu fidinayo gogol wadatashi, xilli ay muddooyinkii dambe si weyn isku hayeen siyaasiyiinta mucaaradka oo ka biyo-diiddan hannaanka doorasho ee ay Villa Somalia marsatay Baarlamaanka Soomaaliya.

Gogosha wadatashiga ee Madaxweyne Xasan Sheekh ku dhawaaqay ayaa dhalisay su’aalo badan oo ilaa hadda aan loo helin jawaabo cad.

Inkasta oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku dhawaaqay gogol wadatashi qaran, haddana falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa tallaabadan u arka mid soo daahday oo ka dhalatay cadaadis isa soo tarayay, kaas oo Villa Somalia kaga imaanayay mucaaradka gudaha, balse ugu dambeyn ay beesha caalamku cadaadis xooggan ka geysatay.

Maalmo ka hor ku dhawaaqista gogoshaas, safiirrada Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa si toos ah Madaxweynaha cadaadis ugu saaray arrintan, iyagoo sidoo kale farriin taas la xiriirta hore ugu soo dhiibay qaar ka mid ah saaxiibbadiisa siyaasadeed.

Farriintaas ayaa ku qotontay baahida loo qabo in la furo saaxadda siyaasadda, la dejiyo hannaan doorasho oo loo dhan yahay, iyo inuu billaabo wada-hadal dhab ah oo lala yeesho madaxda dowlad-goboleedyada ka maqan wadahadallada, sida Puntland iyo Jubbaland.

Xeeldheerayaasha siyaasadda ayaa tilmaamaya in dowladda federaalka aysan weli caddeyn arrimo muhiim ah, sida:

  • Dastuurka lagu dhaqmi doono waa kee?
  • Sidee loo qaban doonaa doorashooyinka 2026-ka?
  • Yaa hagi doona wadahadallada u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada?
  • Istaraatiijiyad noocee ah ayaa lagu wajahaya dagaalka ka dhanka ah argagixisada?

Sidoo kale, su’aal kale oo walaac badan abuurtay ayaa ah: Yaa ka qeyb galaya gogoshan? Ma dhammaan siyaasiyiintii hore xilalka uga soo qabtay heer federaal ayaa lagu casuumayaa, mise waxaa laga qeybgelinayaa iyadoo lagu saleynayo heerka qaylada iyo buuqa siyaasadeed ee qofka ama kooxdu samayn karto?

Jawaabta su’aashan weli ma cadda, balse waxaa muuqata in Villa Somalia iyo Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ay go’aamin doonaan cidda saameynta ku leh ajendaha gogosha, kuwaas oo aan laga tegi karin.

Maadaama aan su’aalahaas ilaa hadda loo helin jawaabo cad, waxaa jirta cabsi ah in gogosha lagu dhawaaqay ay tahay mid ay Villa Somalia ku raadineyso waqti siyaasadeed, halkii ay ka noqon lahayd qorshe dhab ah oo lagu gaari karo dib-u-heshiisiin siyaasadeed iyo ajande qaran oo lagaga hortago kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish.

WARARKA MAANTA31ka Maarso 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: #Yaa #Somaliland burburiyey? Yaase dhisay #SSCKHaatumo? Maxay #SSCKhaatumoState uga adkaatay #Somaliland? Maxuu Madaxweynaha #Somaliland Mudane Cabdiraxman Ciro u soo eedeeyey Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuus-Fooxiye”? Maxay beesha calamka ugu qasabtay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” inuu dastuurka iyo sharciga ku dhaqmo ama iscasilo? Maxay tahay warqada beesha caalamka ay gacanta ka saartay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu dhiso #Maxkammadda Dastuuriaga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay dastuurkii federaalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa dhacay hantidii dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa lacagtii shacabka Soomaaliyeed dibada akoono ku shubtay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ilmihiisa iyo xaasaskiisa u ogolaaday inay madax ka noqdaan Dowladda #Soomaaliya? Yaa diiday inay Dowladda Iyo Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira wadashaqeeyaan? 

Ha Wiqleyso! 

Muqdisho 31ka Maarso 2025 Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo qoraal ka soo saaray gogoshii uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku tilmaamay “tallaabo loo baahan yahay oo qeyb ka noqon karta xal u helidda duruufaha siyaasadeed iyo khataraha amni ee dalka.”

Farmaajo ayaa qoraalkiisa ku bilaabay “Baaqa ku saabsan qabsoomidda shir wadatashi qaran ah ee uu soo jeediyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waa tallaabo loo baahan yahay oo qeyb ka noqon karta xal u helidda duruufaha siyaasadeed iyo khataraha amni ee ku gadaaman dalkeenna.”

Farmaajo ayaa sheegay in marar badan uu soo jeedinnay, in arrimaha masiiriga ah ee taabanaya aayaha dalka iyo nidaamka dowladnimada yihiin “masuuliyad wadareed u baahan wadatashi iyo wada-ogolaansho.”

“Sidaas awgeed waxaan adkaynaynaa in shirkan ay isugu yimaadaan dhammaan dhinacyada ay khusayso heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed,” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweynihii hore Farmaajo ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku dhiirrigelinayo in uu ficil u beddelo baaqa, kana dhabeeyo gogosha uu fidiyey.

“Madaxweynuhu waa inuu abuuraa jawi siyaasadeed oo ku dhisan kalsooni, wadashaqeyn iyo ilaalinta dastuurka lagu doortay,” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale, madaxweynihii hore wuxuu ku taliyey in meesha laga saaro tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaysa midnimada dalka iyo hannaanka dowladnimo ee heshiiska lagu yahay.

“Annagoo adkaynayna waajibka qaran ee inaga saaran Ciidamada Qalabka Sida ee naftooda u huraya difaaca dalka iyo ilaalinta sharafta shacabkeenna Soomaaliyeed, waxaan soo jeedinaynaa in shirkan uu fursad u noqdo garab istaagga iyo sidii taageero buuxda loo siin lahaa Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed,” ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweynihii hore ayaa ku taliyey in la qiimeeyo duruufaha ay wajaheen ciidamada qaranka Soomaaliyeed, intii ay ku jireen howlgallada, “taas oo aas-aas u ah in ay awood buuxda u yeeshaan xoreynta deegaannada ku harsan gacanta argagixisada.”

Israa’iil 31ka Maarso 2025  Xubno ka tirsan Knesset-ka (Baarlamanka) Israa’iil ayaa muujiyey walaac ay ka qabaan dhaq-dhaqaaqyada milatari ee Masar ka waddo Siinaay, iyagoo sheegay in tallaabooyinkaas ay dhaafeen xuduudaha uu dhigayo heshiiskii nabadeed ee labada dal.

Hadalladan ayaa lagu soo bandhigay shir ka dhacay Knesset-ka oo cinwaankiisu ahaa ‘Xadka Israa’iil iyo Masar: Xaaladda Amni ee Isbeddelaysa,’ sida ay sheegtay warbaahinta Sama oo soo xiganaysa wakaaladda wararka ee JDN ee Israa’iil.

Ka qayb-galayaashu waxay adkeeyeen baahida loo qabo in laga feejignaado xaalad kasta oo suurta-agal ah, iyagoo tilmaamay in horumarrada ka socda xadka Masar — oo ay ka mid yihiin ballaarinta ciidamada iyo casriyeynta hubka — ay khatar gelin karaan ammaanka Israa’iil.

Inkasta oo ay qireen in iskaashi amni uu ka dhex jiro labada dal xilliyo gaar ah, haddana waxay xuseen in tallaabooyinka qaarkood ee Masar ay mararka qaar ka hor imaan karaan danaha Israa’iil.

Illaa iyo hadda, wax jawaab rasmi ah kama soo bixin dhanka Masar ee ku aaddan hadalladan.

Taliyihii hore ee Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF), Herzi Halevi, ayaa hore uga digay awoodda milatari iyo hubka casriga ah ee ay haystaan ciidamada Masar.

Sida uu qoray JDN, Halevi ayaa yiri, “Masar waxay leedahay ciidan ballaaran, hub casri ah, iyo tiro aad u badan oo askar dhulka ah,” isagoo intaas ku daray, “Haatan khatar toos ah ma jirto, balse xaaladdu wax ay is beddeli kartaa daqiiqad kasta.”

Dagaalladii Masar iyo Israa’iil iyo heshiiskii nabadeed

Masar iyo Israa’iil waxay dagaalameen dhowr jeer intii lagu jiray qarnigii 20-aad, kuwaas oo intooda badan salka ku hayey muran dhuleed, gaar ahaan deegaanka Siinaay. Dagaalkii ugu horreeyay wuxuu dhacay sanadkii 1948, kadib markii Israa’iil ay xornimadeeda ku dhawaaqday, taas oo dhalisay dagaalkii Carabta iyo Israa’iil ee 1948.

Dagaalladii kale ee waaweynaa waxaa ka mid ahaa:

Dagaalkii Suez (1956): Israa’iil, Britain, iyo France ayaa si wadajir ah u weeraray Masar si ay u xakameeyaan Kanaalka Suweys.

Dagaalkii Lixda Maalmood (1967): Israa’iil ayaa qabsatay Dhulka Siinaay, Dhulka Falastiiniyiinta, iyo Qudus Bari kadib dagaal lix maalmood socday.

Dagaalkii Yom Kippur (1973): Masar iyo Suuriya ayaa si lama filaan ah weerar ugu qaaday Israa’iil si ay dib ugu soo ceshadaan dhulalkii ay Israa’iil qabsatay 1967, taasoo keentay dagaal socday 19 maalmood.

Heshiiskii Camp David

Dagaalladii isdaba-joogga ahaa kadib, dadaallo nabadeed oo caalami ah ayaa lagu guuleystay markii la gaaray Heshiiskii Camp David sanadkii 1978. Heshiiskan oo uu martigeliyey madaxweynihii Mareykanka Jimmy Carter, ayaa waxaa kala saxiixday madaxweynihii Masar Anwar Sadat iyo ra’iisul wasaarahii Israa’iil Menachem Begin.

Heshiiskan waxa uu horseeday in Israa’iil ay dib ugu celiso Siinaay Masar, iyadoo la dhisay xuduud nabadeed oo rasmi ah. Heshiiskii nabadeed ee rasmiga ah ee labada dal waxa la saxiixay 1979, taasoo Israa’iil iyo Masar ka dhigtay labadii waddan ee ugu horreeyay ee Carab ah iyo Israa’iil oo nabad rasmi ah gaara.

Heshiiskaasi waxa uu dhigayay:

  • In Israa’iil ay si buuxda uga baxdo Siinaay.
  • In labada dal ay aqoonsadaan midba midka kale.
  • In la sameeyo xuduud ammaan ah oo ay ilaaliso qaraar ka soo baxay Qaramada Midoobay.

Inkastoo xiriirka Israa’iil iyo Masar uu xasiloonaa tan iyo heshiiskii Camp David, haddana labada dal waxay mararka qaar wajahaan loollan dhinaca amniga ah, gaar ahaan xuduudaha Siinaay, halkaas oo dhaq-dhaqaaqyada kooxaha hubaysan ay mararka qaar khatar ku keenaan nabadda.

Muqdisho 31ka Maarso 2025  Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si lama filaan u qaatay go’aan uu gogol u fidinayo siyaasiyiinta iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka si ay talooyinkooda ugu darsadaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo dhismaha dowladnimo casri ah oo ku saleysan dimoqraadiyad iyo nidaam federaal ah.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku ammaanay fahamka wanaagsan ee hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee ku aaddan in “aan Khawaarijta isku heysan, balse aan isku heysanno sidii loo dhisi karo dowlad dimoqraadi ah oo dalkeena ka hanaqaada.”

Waxa kale oo uu yiri, “Waxaan gogol u fidinayaa siyaasiyiinta, si ay aragtidooda ugu biiriyaan dagaalka lagaga hortagayo Khawaarijta,” isaga oo si gaar ah ugu mahadceliyay ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee nafahooda u huraya sidii dalka looga xoreyn lahaa Al-Shabaab.

Muxuu ka dhigan yahay baaqa madaxweynaha?

Mursal Maxamuud Saney, oo ah agaasimaha machadka daraasaadka ee Heritage, ayaa BBC-da u sheegay in gogosha uu madaxweynuhu ku baaqay ay tahay “fursad u baahan in laga faa’iideysto.”

Wuxuu intaa ku daray in hadda madaxweynuhu garowsaday inuu ka dhabeeyo hal-ku-dhiggiisa ahaa “Soomaali Heshiis ah.”

“Waxaa loo fasiri karaa, haddaan u jeedada ka abbaarno, in madaxweynuhu fahmay inuusan kaligiis ku filneyn talada dalka, ha noqoto dagaalka lagula jiro nimanka nabad-diidka ah. Waxay ka dhigan tahay wax weyn, waana talo mar hore loo baahnaa,” ayuu yiri Saney.

Mursal wuxuu sheegay in tani ay abuuri karto fursad ay Soomaalidu ku mideyn karto taladooda, balse wax walba ay ku xiran yihiin in siyaasadda laga heshiiyo.

“Wixii ka soo haray isaga kursigiisa waa inuu dhulka soo dhigo oo dhaho: ‘Soomaalidaa waa tanaa taladii, dhulkay iga taallaa ee aan heshiino.’ Kow waa inaan ka heshiino siyaasadda iyo awood-qaybsiga,” ayuu yiri Mursal Saney.

Agaasimaha Machadka Daraasaadka ee Heritage ayaa xusay inuu qabo in dhinacyadu muujiyaan tanaasul iyo in si dhab ah looga wadahadlo arrimaha dalka.

“Madaxweynaha waxaa la gudboon inuu ka dhabeeyo gogosha oo aysan noqon af-gobaadsi. Waa inuu miiska soo fariisto isagoo wax shuruud ah ku xirin. Qolyaha ka soo horjeeda dowladda waxaa loo kala qaadayaa labo: dowlad goboleedyada oo saamiley siyaasadeed dhab ah oo meesha ay joogaan ka arrimiya, iyana waa inay miiska soo fariistaan shuruud la’aan,” ayuu yiri Mursal.

Wuxuu intaa raaciyey in bulshada rayidka ahna ay qaataan doorka dhexdhexaadnimada oo ay u dhaxeeyaan ciddii is-haysata, si markay kala fogaadaan ay iskugu soo dhaweeyaan.

Dr. Cabdiweli Maxamuud Gurey, oo falanqeeya arrimaha siyaasadda, ayaa la qaba Saney in madaxweyne Xasan Sheekh markan uu qiimeeyey in xaaladda dalku u baahan tahay midnimo iyo in la gaaro heshiis siyaasadeed si hore loogu socdo.

Gurey wuxuu sidoo kale sheegay in loo baahan yahay tanaasul iyo wadahadal dhab ah.
“Waxaa u furan mucaaradka iyo maamulada in la isugu soo dhawaado, waxa jira awgood.

Soomaaliya dagaal uguma badiso, kaliya anigu waxaan arkaa in talada dhulka la dhigo oo madaxweynuhu yiraahdo: ‘Shirka meesha lagu qabanayo idinku meeleeya si loogu arko in waxa uu ku baaqay ay dhab ka tahay,’” ayuu yiri Cabdiweli.

WARARKA MAANTA 30ka Maarso 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: #Ciid Wanaagsan! Maxay beesha calamka ugu qasabtay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” inuu dastuurka iyo sharciga ku dhaqmo ama iscasilo? Maxay tahay warqada beesha caalamka ay gacanta ka saartay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu dhiso #Maxkammadda Dastuuriaga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay dastuurkii federaalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa dhacay hantidii dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa lacagtii shacabka Soomaaliyeed dibada akoono ku shubtay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ilmihiisa iyo xaasaskiisa u ogolaaday inay madax ka noqdaan Dowladda #Soomaaliya? Yaa diiday inay Dowladda Iyo Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira wadashaqeeyaan? 

Ha Wiqleyso! 

Somaliland 30ka Maarso 2025   Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in Soomaaliya ayna ka talin Berbera, isla markaana ayna cidna heshiis kula geli karin.

Madaxweynaha oo ka jawaabayay warqad la sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Maraykanka kaga codsaday in uu isticmaalo dekedaha iyo madaarada Berbera iyo Boosaaso, ayaa sheegay in dowladda federaalku ayna xataa Muqdisho si buuxda u wada xukumin.

“Waa la yaab wararka ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo maamuli kari la’ Muqdisho, haddana waxa uu ku baayactamayaa Dekedda Berbera, warqadna wuxuu u qoray Madaxweynaha dalka Maraykanka,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.

Wuxuu sheegay in Somaliland ay tahay dal madaxbannaan oo maamula hawadeeda, dhulkeeda iyo baddeeda. Wuxuu intaas ku daray in codsiga dowladda Soomaaliya uu marin-habaabinayo beesha caalamka isla markaana khatar ku yahay nabadda gobolka.

“Somaliland waxaa ka taliya dowlad shacabku soo doortay, waxaana u sheegayaa beesha caalamka, Somaliland Xasan Sheekh kama taliyo, wuxuu ka taliya Muqdisho, Muqdishana kuma filna,” ayuu yidhi Cirro.

Madaxda iyo bulshada Somaliland ayaa si weyn uga falcelisay warqadda la sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya u diray Trump, taas oo shalay lagu baahiyay jariidadaha Semafor iyo Reuters. Dowladda Soomaaliya dhankeeda wali si rasmi ah ugama jawaabin.

Jariidadaha warkan baahiyay ayaa sheegay in Soomaaliya ay codsigan uga gol leedahay inay hor istaagto aqoonsi la naawilayo in Maraykanku siiyo Somaliland, isla markaana ay ku qanciso Washington inay Muqdisho oo keliya la macaamisho.

Suudan 30ka Maarso 2025  Taliyaha ciidamada milateriga Suudaan, Abdel Fattah al-Burhan, ayaa Sabtidii ballan qaaday in ciidamadiisu ay dagaalka sii wadi doonaan ilaa ay ciidamada Dacmu Sariic ama Rapid Support Forces (RSF) hubka dhigaan.

Burhan oo jeediyay khudbaddiisii ugu horreysay ee telefishinka tan iyo markii milaterigu dib u qabsaday caasimadda Khartoum toddobaadkan, ayaa sheegay in dhammaadka dagaalka burburka ba’an u keenay dalka ee socday ku dhowaad laba sano uu suurtagal noqon karo “haddii maleeshiyadu hubka dhigto.”

Wuxuu meesha ka saaray suurtagalnimada wadahadal lala yeesho kooxda Imaaraadku taageeraan ee RSF, isagoo ballan qaaday in dagaalyahannada ugu dambeeya ee kooxdaas la baacsan doono.

“Ma cafin doonno, mana la heshiin doonno, mana wadahadli doonno,” ayuu yiri Burhan, isagoo intaa ku daray in guusha la gaarayo keliya marka “kacaanigii ugu dambeeyay laga ciribtiro gees walba oo Suudaan ah.”

Khudbadda Burhan waxay timid maalmo yar uun kaddib markii uu si guul ah ugu soo laabtay qasriga madaxtooyada oo gacanta RSF ku jiray tan iyo markii dagaalku qarxay ku dhowaad laba sano kahor.

Burhan oo kasoo degay diyaarad milatari, ayaa dhulka u jilba joogsaday si uu u dhunkado dhulka, kaddibna gacan taagay isagoo kor u haya, kahor inta uusan albaabbada madaxtooyada ka galin.

Milateriga oo muddadii 18-ka bilood ahayd ee lasoo dhaafay la kulmay khasaaro culus, ayaa billaabay weerar xooggan bishii November ee sanadkii hore, kaas oo ay kusoo siqeen bartamaha Suudaan una ruqaansadeen caasimadda.

Toddobaadkii hore, ciidamada ayaa guul degdeg ah ka gaaray Khartoum, iyagoo dib ula wareegay qasriga madaxtooyada, garoonka diyaaradaha, iyo xarumo kale oo istiraatiiji ah.

RSF ayaa dib u gurtay, inkastoo hoggaankeeda uu weli ku adkeysanayo mowqifkooda, iyagoo ku dhawaaqay in aysan marnaba is dhiibayn.

Saacado kaddib markii Burhan dib ugu laabtay qasriga madaxtooyada, RSF waxay shaacisay “iskaashi ciidan” ay la galeen garab ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Xoreynta Dadka Suudaan (SPLM-N), oo maamula qaybo ka mid ah gobollada Kordofan Koonfureed iyo Blue Nile ee koonfurta dalka.

SPLM-N ayaa horay ula dagaallantay labada dhinac, kahor inta aysan bishii hore heshiis siyaasadeed la saxiixan RSF si ay u dhisaan dowlad kale oo mucaarad ah.

Fiidnimadii Khamiista, goobjoogayaal ku sugan magaalada Damazin ee gobolka Blue Nile ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha iyo biyo-xireenka Roseires, oo ku dhow magaalada, ay markii ugu horreysay weerar dhanka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ah kala kulmeen RSF iyo xulafadooda tan iyo bilowgii dagaalka.

Milaterigu ayaa markii dambe sheegay inay soo rideen diyaaradaha drones-ka ee RSF.
Sabtidii, RSF waxay sheegtay inay la wareegeen saldhig milatari oo qiyaastii 140 km u jira Damazin.

Dagaalku wuxuu burburiyay Suudaan, isagoo dilay tobanaan kun oo qof, barakiciyay in ka badan 12 milyan oo qof.

Hadda, dalka waxaa si dhab ah loogu kala qaybsamay laba dhinac: milaterigu wuxuu gacanta ku hayaa waqooyiga iyo bariga, halka RSF ay maamusho inta badan Darfur ee galbeedka iyo qaybo badan oo ka mid ah koonfurta dalka.

Jarmalka 30ka Maarso 2025 Jarmalka ayaa sheegay inuu rajaynayo in Midowga Yurub iyo Mareykanka ay gaaraan heshiis ku saabsan canshuuraha cusub ee Mareykanku kusoo rogay baabuurta, balse waxa uu digniin ka bixiyay in “wax kasta miiska saaran yihiin,” si uu u aarguto.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa toddobaadkan ku dhawaaqay canshuur dhan 25 boqolkiiba oo lagu soo rogi doono baabuurta, gaadiidka fudud, iyo qalabka baabuurta ee laga keeno dibadda, taasoo dhalisay cambaareyn caalami ah isla markaana keentay hoos u dhac weyn oo ku yimid suuqyada saamiyada.

Canshuurahaasi waxa ay dhaqan geli doonaan Khamiista toddobaadka dambe, balse Jarmalka — oo ah dhaqaalaha ugu weyn eurozone-ka isla markaana ah mid ka mid ah soo saarayaasha baabuurta ee ugu waaweyn Yurub — ayaa xusay in Midowga Yurub uu raadineyo “wadahadal qoto dheer” oo lala yeesho Mareykanka.

“Khasaaruhu wuxuu ku dhacayaa dhinac walba”

Afhayeenka dowladda Jarmalka, Steffen Hebestreit, ayaa carrabka ku adkeeyay in “murannada ganacsi ay khasaaro ku keeni doonaan dhinac kasta.” Wuxuu intaa ku daray: “Waxaan isku dayeynaa inaan gaarno xal.”

“Waqtigan xaadirka ah, EU waxay weli rajaynaysaa inay gaarto heshiis wadaxaajood ah oo Mareykanka lala yeesho si looga fogaado dagaal ganacsi,” ayuu ku yiri Berlin.

Si kastaba ha ahaatee, Hebestreit wuxuu xusay in haddii wadahadaladu midho dhalin waayaan, “way caddahay in Yurub ay qaadi doonto tallaabooyin jawaab-celin ah.”

“Waqtigan xaadirka ah wax kasta waa miiska saaran yihiin, wax walbana waa la eegayaa,” ayuu yiri, isagoo aan faahfaahin dheeraad ah bixin.

Madaxa sare ee EU, Ursula von der Leyen, ayaa horey u sheegtay inay “si qoto dheer uga xumaatay” canshuuraha Mareykanka, iyadoo xustay in Midowga Yurub uu “sii wadi doono raadinta xal wadahadal lagu gaari karo.”

Kahor inta aanay canshuurahaasi dhaqan gelin, madaxa ganacsiga EU, Maros Sefcovic, ayaa wadahadallo kula yeeshay Washington mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Trump.

Trump ayaa sidoo kale hanjabay inuu soo rogi doono canshuuro kale oo baaxad leh oo ka dhan ah Midowga Yurub, kaas oo leh faa’iido ganacsi oo weyn oo uu la leeyahay Mareykanka.

Jarmalka oo khasaaro la kulmi kara

Shirkadaha baabuurta Jarmalka sida Volkswagen, BMW, iyo Mercedes — oo horeyba cadaadis uga dareemayay suuqa muhiimka ah ee Shiinaha — ayaa si gaar ah ugu nugul khasaaraha ka dhalan kara canshuuraha cusub ee Mareykanka.

Berlin ayaa si xooggan uga soo horjeesatay tallaabada Trump, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka, Annalena Baerbock, ay Khamiistii sheegtay in canshuuraha Mareykanka ay ugu dambeyn dib ugu soo noqon doonaan Mareykanka laftiisa.

“Qofka burburiya guriga oo dhan isagoo doonaya inuu saqafka dib u casriyeeyo, ugu dambeyn wuxuu hor istaagayaa burbur,” ayay tiri Baerbock.

WARARKA MAANTA 29ka Maarso 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa noqday Madaxweyne la wasay/fugay/dhabay/lagu niikiyey/laga macsiyeystay? Yaa diiday in la baaro dilkii Kornayl Ikraam Taxaliil? Yaa kursiga ku soo fuulay been iyo qabyaalad oo maanta diidan inuu iscasilo fashilka haysta?  Yaa diidi kara xukuummadda dalxiiska dibadda? Maxay Dowladda #Turkiga kula talisay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Maxuu yahay safar deg deg ah ee Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” u aaday Turkiga? Maxuuse Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi “Dhaweeye/Waarikoow” u fashilka gudaha iyo dibadaba ay uga hadlayaan shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka? Ma aragtaan dagaal wakhti kororsi ayuu bilaabay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa badalay dastuurkii lagu doortay?  Maxaa ka cusub #Soomaaliya Iyo Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo kashifaad iyo fashil weyn ku dhex jira? Yaa dhacay hantidii dadweynaha? Yaa diiday inay Dowladda Iyo Dowlad Gobaleedyada wadashaqeeyaan Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa qabsan raba #Muqdisho? Yaa doorasho qabanaa? Maxay ka dhici doontaa Teendhadii Afisyoone mise qof iyo cod? Meeqo lacag uu xaday Madaxweynaha Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye’? ayaa #Switzerland taala?  Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” u diiday inuu dhiso Maxkammadda Dastuuriga ah? Maxuuse u diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho? Maxayse beesha caalamka ugu diiday lacagtii laga xanibay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidi kara inay labada aqal lagu dhigay kuwo aan ka shaqayn danta guud ee Ummadda Soomaaliyeed? Yaase maanta diidi kara inuu Madaxweyne Mudane Xassan Iyo Raysal Wasaare Mudane Xamsa wada fashilmeen? Ha Wiqleyso! 

Muqdisho 29ka Maarso 2025  Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ayaa Jimcaha manta ah sheegtay inay dhageysan doonto dacwad ay Suudaan ka gudbisay Imaaraadka Carabta, taasoo codsaneysa in la qaado tallaabo deg-deg ah oo looga hortagayo xadgudubyada lagu eedeeyay Imaaraadka ee ah inay hub siiso xoogagga sida militariga u tababaran, taasoo jabineysa waajibaadka ku xusan Heshiiska Xasuuqa (Genocide Convention).

Imaaraadka Carabta ayaan si deg-deg ah uga jawaabin eedeymahaas. Bishii hore, Imaaraadka wuxuu sheegay inuu doonayo in dacwadda Suudaan la tuuro, isagoo ku andacoonaya in cabashadaasi aysan lahayn “asal sharci ama xaqiiqo oo sugan.”

Suudaan waxay ku eedeysay Imaaraadka inuu hub siiyo xoogagga Dacmu Sariic ama Rapid Support Forces (RSF), kuwaas oo laba sano dagaal kula jiray ciidamada Suudaan – eedeymo ay Imaaraadka si adag u beeniyeen, balse khubarro Qaramada Midoobay iyo sharci-dejiyeyaal Mareykan ah ay rumeysan yihiin inay yihiin kuwo la rumeysan karo.

Eedeynta Suudaan ee Imaaraadka

Dacwadda Suudaan ee loo gudbiyay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee fadhigeedu yahay Hague waxay la xiriirtaa weerarro salka ku haya qowmiyad gaar ah oo RSF iyo maleeshiyaad ay la safan yihiin ay u geysteen qowmiyadda aan-Carabta ahayn ee Masalit ee ka dhacay Galbeedka Darfur sanadkii 2023.

Weerarradaas, oo si faahfaahsan ay u baahisay wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa loo aqoonsaday xasuuq. Weerarradaas ayaa bishii Janaayo ay Mareykanka si rasmi ah ugu sifeeyeen xasuuq.

Suudaan waxay maxkamadda ka codsatay inay soo saarto amar degdeg ah oo ka hor istaagaya Imaaraadka inuu sii wado tallaabooyinka loo arko xasuuq ka socda Darfur.

Maadaama dacwadaha ICJ ay qaataan sanado badan in la soo gabagabeeyo, dowladaha waxay codsan karaan tallaabooyin deg-deg ah si looga hortago in khilaafka sii fido inta go’aanka kama dambaysta ah laga gaarayo.

Suudaan waxay gashay dagaal dhimasho badan sababay bishii April 2023, kaddib markii xiisado muddo dheer u dhexeeyay ciidamada milatariga iyo xoogagga sida militariga u tababarn ay qarxeen, gaar ahaan caasimadda Khartoum, taasoo dagaalka sii fidisay gobollada kale.

Dagaalkaasi wuxuu dilay in ka badan 24,000 oo qof, halka in ka badan 14 milyan oo qof — oo u dhiganta 30% dadweynaha — ay guryahooda ka qaxeen, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. Waxaa la qiyaasayaa in 3.2 milyan oo Suudaani ah ay u qaxeen wadamada deriska ah.

Diyaarado hub u gudbiyay RSF

Kooxda Conflict Observatory, oo ay maalgeliso Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka isla markaana la socota xaaladda dagaalka Suudaan, ayaa soo bandhigtay caddeymo muujinaya diyaarado la rumeysan yahay inay hub u gudbinayeen RSF. Diyaaradahaas ayaa ka degayay garoonka diyaaradaha Aéroport International Maréchal Idriss Deby ee magaalada Amdjarass ee Chad.

Si kastaba ha ahaatee, Imaaraadka ayaa sheegay in duulimaadyadaasi ay la xiriireen taageerada isbitaallo maxalli ah.

Bishii Janaayo, Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka waxay cunaqabateyn kusoo rogtay hoggaamiyaha RSF, Maxamed Xamdan Daqlo Muuse, oo loo yaqaan Hemedti, iyo toddobo shirkadood oo ay RSF leedahay oo ka howlgalayay Imaaraadka Carabta, kuwaas oo mid kamid ah lagu eedeeyay inay si sharci darro ah uga ganacsadaan dahabka laga dhoofiyo Suudaan.

Cunaqabateyntaas ayaa timid iyadoo Mareykanku uu ku dhawaaqay in RSF ay geysteen xasuuq.

Imaaraadka Carabta ayaa si isdaba joog ah loogu eedeeyay inuu hub siiyo RSF – eedeymo uu si adag u beeniyay, inkastoo ay jiraan caddeymo cagsigeeda ah.

Imaaraadka ayaa sheegay inuu mar walba ku baaqayay xabbad-joojin degdeg ah oo lagu soo afjaro dagaalka.

“Isticmaalka Suudaan ee dacwadda ICJ ma beddelayo mas’uuliyadda sharci iyo tan anshax ee ka saaran ciidamada qalabka sida iyo masiibada bani’aadannimo ee dalka ka jirta,” ayuu Imaaraadka yiri.

Go’aannada ay gaarto Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, oo sidoo kale loo yaqaan Maxkamadda Adduunka, waxay qaataan sanado badan in la gaaro go’aanka kama dambaysta ah, waxaana go’aannadaas sharciyan waajib ku ah dalalka ay khuseyso. 

Muqdisho 29ka Maarso 2025 Dowladda Soomaaliya ayaa Maraykanka usoo bandhigtay “maamul gaar ah oo hawleed” oo ay ku maamulayaan dekedaha istaraatiijiga ah ee Gacanka Cadmeed si looga hortago in Washington aqoonsato gobollada gooni u goosadka ah ee dalka. Dalabkan ayaa yimid inkasta oo Muqdisho aysan si toos ah gacanta ugu hayn goobahaas.

Warqad uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u diray Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, kuna taariikheysa Maarso 16, oo ay heshay warbaahinta Semafor, ayaa lagu xusay in Soomaaliya ay Maraykanka usoo bandhigtay “hanti istaraatiiji ah” oo kor u qaadi karta saameynta Maraykanka ee gobolka, hubin karta marin aan hakad lahayn oo milatari iyo saadka ah, isla markaana looga hortagayo tartamayaasha shisheeye inay saldhig ka sameystaan marinka istaraatiijiga ah ee Gacanka Cadmeed.

Hase yeeshee, goobaha la soo bandhigay — dekedda iyo saldhigga Berbera ee Somaliland iyo dekedda iyo saldhigga Bosaso ee Puntland — kama hoos shaqeeyaan dowladda Soomaaliya, balse Muqdisho waxay u aragtaa dhammaan goobahaas inay ka mid yihiin dhulkeeda qaran.

Xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Maraykanka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu warqaddiisa ku xusay xiriirkii taariikhiga ahaa ee Soomaaliya iyo Maraykanka oo bilowday xilligii madaxweynihii hore ee Maraykanka Ronald Reagan, markaas oo xukuumaddii militariga ee Soomaaliya ay ogolaatay in Maraykanku uu isticmaalo saddex garoon oo kala ah Muqdisho, Kismaayo, iyo Berbera.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale ku adkeystay sida uu uga go’an yahay xoojinta iskaashiga labada dal, isagoo ku amaanay Maraykanka doorkiisa hoggaamineed ee xagga amniga iyo xasilloonida caalamiga ah.

“Maamulkaaga hoostiisa, Maraykanku wuxuu xoojiyay doorkiisa hoggaamineed ee xagga amniga iyo xasilloonida caalamiga ah. Waxaana aqoonsannahay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loo horumariyo yoolalkaas Geeska Afrika iyo meelaha kale,” ayaa lagu yiri warqadda.

“Maanta, iyadoo la eegayo isbeddelada caalamiga ah ee sii socda, waxaan u aragnaa fursad cusub oo lagu xoojin karo iskaashigan si loo daboolo danaha labada dal, isla markaana loo ilaaliyo amniga Gacanka Cadmeed, Badda Cas, iyo guud ahaan gobolka,” ayuu Xasan Sheekh ku daray.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sidoo kale muujiyay diyaar ahaanshaha Soomaaliya si loo bilaabo wadahadallo lagu horumarinayo qorshaha, wuxuuna Trump ka codsaday inuu usoo diro wafdi Maraykan ah oo yimaada Muqdisho “wakhti labada dhinac ku heshiin karaan.”

Cabsida DF ee ah inay lumiso taageerada Maraykanka

Warqadda ayaa timid iyadoo Soomaaliya ay dadaal ugu jirto inay gacanta ku hayso gobollada muhiimka ah ee xeebaha, iyadoo laga cabsi qabo in Maraykanku uu dib uga laabto taageeradiisa dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

“Yaa u ogolaatay inay bixiyaan maamulaan goobahaas?” ayuu yiri Cameron Hudson, oo ah falanqeeye sare oo ka tirsan Barnaamijka Afrika ee Xarunta Daraasaadka Caalamiga ah iyo Istaraatiijiga. “Waxay arrintan u adeegsanayaan xeelad ay Maraykanka kaga helaan aqoonsi rasmi ah oo la siiyo dowladda Soomaaliya, taasoo sharciyad u siinaysa inay maamusho gobollada gooni u goosadka ah.”

Somaliland, oo ah gobol is-maamula oo Soomaaliya ka tirsan, ayaa muddo ka badan 30 sano doonaysay inay hesho aqoonsi caalami ah oo rasmi ah, waxayna fursad cusub ka aragtaa maamulka Trump.

Sida markii ugu horreysay la shaaciyay bishii December, xubno ka tirsan xukuumadda cusub ee Maraykanka ayaa muujiyay xiisaha ay u qabaan aqoonsiga Somaliland.

Tallaabadan ayaa Maraykanka u ogolaan karta inuu si rasmi ah u dhiso hawlgallo sirdoon oo joogto ah oo lagula socdo dhaq-dhaqaaqa hubka ee gobolka xasilloonida darani ka jirto, iyadoo sidoo kale la eegi karo dhaqdhaqaaqa Shiinaha ee gobolka.

Bishii Janaayo, guddi muhiim ah oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Maraykanka oo ka shaqeeya xiriirka Maraykanka iyo Shiinaha ayaa ugu baaqay Waaxda Arrimaha Dibadda inay xafiis matalaad ah ka furato Somaliland.

Dekedaha istaraatiijiga ah ee Berbera iyo Boosaaso

Dekedda iyo saldhigga Berbera ee Somaliland ayaa ah meelaha ugu muhiimsan ee lagala socon karo dhaq-dhaqaaqa maraakiibta ganacsiga ee mara Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, si gaar ahna looga hortago weerarrada Xuutiyiinta. Sanadkii 2022, Somaliland ayaa si iskeed ah Maraykanka ugu bandhigtay inay adeegsato dekedda Berbera si loogu beddelo aqoonsi rasmi ah.

Bishii hore, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa u sheegay warbaahinta dadweynaha ee Israel ee KAN in Somaliland ay diyaar u tahay inay qaabisho muwaadiniinta Gaza si ay u hesho aqoonsi caalami ah.

Puntland, oo xiriirkii u jartay Muqdisho bishii Maarso ee sanadkii hore kadib khilaafyo siyaasadeed oo soo jiitamayay, waxay gacanta ku haysaa dekedda Bosaso oo si istaraatiiji ah ugu taalla Gacanka Cadmeed, waana deked ganacsi oo muhiim ah.

Kooxda Daacish ayaa saldhig adag ka samaysatay gobolka buuraleyda ah ee Puntland, taasoo noqotay bartilmaameed ay beegsadaan duqeymaha Maraykanka iyo Imaaraadka Carabta. Bosaso waxay saldhig u noqotay howlgallada ciidamada difaaca Puntland ee lagula dagaallamayo kooxaha xagjirka ah.

Xiriirka Imaaraadka, DP World, iyo Somaliland

Waqtigan xaadirka ah, shirkadda DP World, oo ah shirkad caalami ah oo ka shaqaysa saadka lagana leeyahay Imaaraadka Carabta, ayaa gacanta ku haysa hawlgallada dekedaha Berbera iyo Bosaso. Dowladda Imaaraadka oo taageero weyn siisay ololaha Somaliland ee aqoonsiga ayaa sidoo kale xiriir la leh Israel.

DP World ayaa si weyn u maamusha dekedaha Berbera iyo Bosaso, iyada oo taageero ballaaran ka helaysa Imaaraadka Carabta, taasoo sii kordhinaysa saamaynta ay Imaaraadku ku leeyihiin gobolka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta in ay Maraykanka ka hesho taageero sii socota, si looga hortago aqoonsiga gobollada gooni u goosadka ah. Iyada oo khilaafaad siyaasadeed ay ka taagan yihiin gudaha Soomaaliya, Muqdisho waxay u aragtaa in xoojinta xiriirka Maraykanka uu muhiim u yahay badbaadada midnimada qaranka.

Sida uu sheegay Cameron Hudson, Dowladda Soomaaliya waxay ka walaacsan tahay in Maraykanku uu xiriirka u jaro dowladda federaalka ah, islamarkaana uu soo afjaro mashruuca dib-u-dhiska dowladnimada ee socday muddo toban sano ah, si uu diiradda u saaro la dagaallanka argagixisada iyadoo la adeegsanayo saldhigyo muhiim ah oo istaraatiiji ah.

Hudson ayaa sheegay in fikradda ay qabaan xildhibaannada xisbiga Jamhuuriga ay tahay: “Soomaaliya ma aha dawlad shaqeysa, mana ahan mid dani noogu jirto inaan isku dayno inaan dhisno dawlad rasmi ah oo ka hanaqaada Soomaaliya. Waan fulin karnaa howlgallo lagula dagaallamayo argagixisada iyada oo aan la dhisin dowlad taabba-gal ah,” ayuu sharaxay.

Sidaas darteed, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay cabsi ka qabtaa in Maraykanku uu isbedel istaraatiiji ah sameeyo, taasoo horseedi karta in la iska indho-tiro dadaalladii lagu dhisayay dowladnimada, lana xoogga saaro howlgallo milatari oo ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish. Taasina waxay sii adkeyn kartaa xaaladda amni iyo siyaasadeed ee dalka.

Si kastaba ha ahaatee, xiisaha sii kordhaya ee Maraykanku u qabo Somaliland iyo Puntland waxa uu abuuri karaa khatar kale oo sii xumeyn karta xaaladda siyaasadeed ee Geeska Afrika.

Muqdisho 29ka Maarso 2025 – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in James Swan, oo u dhashay Mareykanka, dib loogu magacaabay Wakiilkiisa Gaarka ah ee Soomaaliya iyo Madaxa Hawlgalka ku meel-gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS).

Ku dhawaaqistan ayaa muujineysa sida ay Qaramada Midoobay uga go’an tahay inay sii waddo taageerada ay siineyso Soomaaliya xilligan kala guurka siyaasadeed ee muhiimka ah, ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Guterres.

Mr. Swan, oo ah diblomaasi khibrad sare leh oo si qoto dheer ugu howlanaa xaaladaha siyaasadeed ee murugsan ee Afrika, ayaa tan iyo bishii Maajo 2024 si ku meel-gaar ah u hayay xilka Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Madaxa UNSOM/UNTMIS.

Xoghayaha Guud ayaa uga mahadceliyay Mr. Swan dadaalkiisa wuxuuna soo dhoweeyay go’aankiisa ah inuu sii hoggaamiyo dadaallada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Doorka QM ee Soomaaliya

Qaramada Midoobay waxay Soomaaliya ka shaqeyneysay tobannaan sano, iyadoo taageeraysay nabadda, amniga, iyo horumarka, xilli ay dalka ka jireen colaad iyo xasillooni darro daba dheeraatay.

Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOM) ayaa la aasaasay 2013 si loo taageero geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka, oo ay ku jiraan horumarinta hay’adaha dimoqraadiga ah, kor u qaadista xuquuqda aadanaha, iyo isku-dubaridka gargaarka caalamiga ah.

Dhowaan, UNSOM ayaa si rasmi ah ugu guurtay Hawlgalka ku meel-gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), taasoo ka tarjumaysa baahiyaha isbedbedelaya ee dalka iyo diiradda la saarayo taageeridda dadaallada dhismaha dowladnimada, dib-u-habaynta amniga, iyo diyaarinta doorashooyinka soo socda.

“Waqtigan xasaasiga ah” ee uu xusay Xoghayaha Guud, waxa ay u badan tahay inuu tixraacayo dadaallada socda ee lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida, la tacaalidda xaaladaha adag ee siyaasadeed, iyo wax ka qabashada caqabadaha waaweyn sida khatarta Al-Shabaab.

Swan: Diblomaasi khibrad badan

Mr. Swan wuxuu xilkan muhiimka ah la yimaadaa waayo-aragnimo ballaaran oo uu ka soo kasbaday shaqooyin diblumaasiyadeed oo uu ka soo qabtay dalal Afrikaan ah oo maraya marxalado kala guur siyaasadeed.

Kahor xilalkiisii Wakiilka Gaarka ah ee Soomaaliya (2019–2022 iyo tan iyo Maajo 2024), wuxuu ahaa Safiirka Mareykanka ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) intii u dhaxeysay 2013–2016 iyo Wakiilka Gaarka ah ee Soomaaliya intii u dhaxeysay 2011–2013. Sidoo kale, wuxuu ka soo shaqeeyay Safaaradda Mareykanka ee Jabuuti intii u dhaxeysay 2008–2011.

Shaqadiisii hore ee dowladda Mareykanka waxaa ka mid ahayd inuu ahaa Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Arrimaha Afrika (2006–2008) iyo Agaasimaha Falanqaynta Afrika ee Waaxda Cilmi-baarista iyo Sirdoonka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka (2005–2006).

Mr. Swan sidoo kale wuxuu xilal diblumaasiyadeed ka soo qabtay dalal ay ka mid yihiin DRC, Jamhuuriyadda Congo, Soomaaliya, Cameroon, Nicaragua, iyo Haiti, taasoo muujineysa sida uu muddo dheer ula tacaalay xaalado adag oo caalami ah.

Mr. Swan wuxuu haystaa shahaadooyin sare oo uu ka qaatay Jaamacadaha Georgetown, Johns Hopkins, iyo National War College ee Mareykanka. Aqoontiisa sare ee luqadaha Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa u sahlaysa inuu si fudud ula xiriiro dhinacyada gobolka ee uu la shaqeeyo.

WARARKA MAANTA 28ka Maarso 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa diidi kara xukuummadda dalxiiska dibadda? Maxay Dowladda #Turkiga kula talisay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Maxuu yahay safar deg deg ah ee Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” u aaday Turkiga? Maxuuse Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi “Dhaweeye/Waarikoow” u fashilka gudaha iyo dibadaba ay uga hadlayaan shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka? Ma aragtaan dagaal wakhti kororsi ayuu bilaabay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa badalay dastuurkii lagu doortay?  Maxaa ka cusub #Soomaaliya Iyo Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo kashifaad iyo fashil weyn ku dhex jira? Yaa dhacay hantidii dadweynaha? Yaa diiday inay Dowladda Iyo Dowlad Gobaleedyada wadashaqeeyaan Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa qabsan raba #Muqdisho? Yaa doorasho qabanaa? Maxay ka dhici doontaa Teendhadii Afisyoone mise qof iyo cod? Meeqo lacag uu xaday Madaxweynaha Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye’? ayaa #Switzerland taala?  Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” u diiday inuu dhiso Maxkammadda Dastuuriga ah? Maxuuse u diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho? Maxayse beesha caalamka ugu diiday lacagtii laga xanibay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidi kara inay labada aqal lagu dhigay kuwo aan ka shaqayn danta guud ee Ummadda Soomaaliyeed? Yaase maanta diidi kara inuu Madaxweyne Mudane Xassan Iyo Raysal Wasaare Mudane Xamsa wada fashilmeen? Ha Wiqleyso! 

Muqdisho 28ka Maarso 2025 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa toddobaadkii tagay waqtigiisa ku qaatay furimaha dagaalka ee gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, isagoo kulamo la yeeshay ciidamada qaranka, kuwa difaaca dadweynaha ee loo yaqaano Macawisleeyda, dhallinyarada, odayaasha dhaqanka, iyo haweenka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale furimaha geeyay masuuliyiin sarsare oo ka tirsan goleyaasha dowladda, aqoonyahanno kasoo jeeda deegaannada uu tagay, iyo ganacsato si ay qeyb uga noqdaan gulufka dagaalka. Bilowgiiba, arrintani waxay noqotay rajo meel fog ka hilaacday iyo yididiilo shacabku dareemeen, taas oo muujisay in markan uu madaxweynuhu usoo jeestay dagaalka.

Isla toddobaadkaas, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa shir degdeg ah oo uu 21-kii bishan isugu yeeray Golaha Wasiirrada ku iclaamiyay in golihiisa ay tagi doonaan furimaha dagaalka ee Shabeellaha Hoose, halkaas oo culeys ay saareen Al-Shabaab, lana wareegeen magaalooyin istiraatiiji u ah dagaalka sida Aw Dheegle, Barriire, iyo Sabiid. Magaalooyinkan ayaa leh buundooyin muhiim u ahaa difaaca caasimadda.

Muqdisho 28ka Maarso 2025 Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Midowga Afrika ka guddoontay gadiidka gaashaaman ee dagaalka iyo agab kale oo ciidan.

Safiirka dowladda Soomaaliya ee Itoobiya ahna Ergeyga Joogtada ee Midowga Afrika Danjire Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa gaadiidka iyo agabka kale kaga guddoomay magaalada Douala ee dalka Cameroon koox matalaysay Saldhig qaaradeedka Saadka ee Midowga Afrika ee loo soo gaabiyo magaca (CLB).

Qalabkaan Soomaaliya la wareegtay ayaa isugu jira gaadiidka gaashaaman, koofiyadaha iyo jaakadaha aan xabadda karin, gaariga ciidanka daabula, gaadiidka xambaara booyadaha shidaalka iyo biyaha, matooro, shixnado dawo ah, kuwaas oo loogu talo galay xoojinta kaabayaasha amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mahadnaq iyo bogaadin u diraysaa Midowga Afrika taageeradiisa joogtada ee qiimaha leh, taasi oo xoojinaysa amniga gobolka, horumarinaysa hey’adaha dowladda, kor-u-qaadaysa dadaalka la dagaalanka argagaxisada, xaqiijinaysa hiigsi-wadaagga loogu saldhigayo xasillooni waarta, adkaysiga iyo horumar muddo dheer jira oo ka taaba-gala guud ahaan qaaradda Afrika” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaarada arrimaha Dibeda ee dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Gaadiidkaan gaashaaman iyo agabka kale ee muhiimka ah ee Midowga Afrika uu ku wareejiyay Soomaaliya ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhawaan guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf,  safarkiisi ugu horeeyay ku yimid Soomaaliya.

Puntland 28ka Maarso 2025  Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa ka helay maydad hor leh, hub kala duwan, iyo kayd raashin ah saldhig ay Daacish ku sugnayd, halkaas oo uu Mareykanku duqayn ka geystay labo habeen ka hor.

Sidoo kale, saraakiisha amniga Puntland ayaa sheegay inay halkaas ka heleen 32 baasaboor oo caalami ah, kuwaas oo la rumeysan yahay inay lahaayeen dagaalyahannadii Daacish ee lagu beegsaday duqeynta.

Intaa waxaa dheer, diyaarado drones ah oo Daacish u adeegsan jirtay weerarrada ka dhanka ah ciidanka Puntland ayaa laga helay goobta. Saraakiishu waxay xuseen in saldhiggan la duqeeyay uu ka mid ahaa xarumihii ugu dambeeyay ee kooxdaasi ku lahayd Puntland.

Goobta duqayntu ka dhacday, oo ku taalla togga Miiraale ee u dhow magaalada Boosaaso, ayaa horey uga mid ahayd saldhigyada ay ciidanka Puntland awoodi waayeen inay gudaha u galaan, maadaama Daacish ay halkaas ka dhistay difaacyo adag.

Mid ka mid ah saraakiisha Puntland ayaa sheegay in Daacish hadda ay ku harsan yihiin saddex saldhig oo kaliya, isla markaana maalmaha soo socda lasoo afjari doono. Wuxuu sidoo kale xusay in Puntland lagala wareegay inta badan goobihii ay kaydadka raashinka ku lahaayeen.

Ethiopia 28ka Maarso 2025 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa toddobaadkii tagay waqtigiisa ku qaatay furimaha dagaalka ee gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, isagoo kulamo la yeeshay ciidamada qaranka, kuwa difaaca dadweynaha ee loo yaqaano Macawisleeyda, dhallinyarada, odayaasha dhaqanka, iyo haweenka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale furimaha geeyay masuuliyiin sarsare oo ka tirsan goleyaasha dowladda, aqoonyahanno kasoo jeeda deegaannada uu tagay, iyo ganacsato si ay qeyb uga noqdaan gulufka dagaalka. Bilowgiiba, arrintani waxay noqotay rajo meel fog ka hilaacday iyo yididiilo shacabku dareemeen, taas oo muujisay in markan uu madaxweynuhu usoo jeestay dagaalka.

Isla toddobaadkaas, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa shir degdeg ah oo uu 21-kii bishan isugu yeeray Golaha Wasiirrada ku iclaamiyay in golihiisa ay tagi doonaan furimaha dagaalka ee Shabeellaha Hoose, halkaas oo culeys ay saareen Al-Shabaab, lana wareegeen magaalooyin istiraatiiji u ah dagaalka sida Aw Dheegle, Barriire, iyo Sabiid. Magaalooyinkan ayaa leh buundooyin muhiim u ahaa difaaca caasimadda.

Magaalada Addis Ababa ayaa lagu soo gaba-gabeeyay shir ay isugu yimaadeen dhallinyarada iyo odayaasha labada deegaan ee Soomaalida iyo Cafarta, kuwaas oo horey uu dagaal uga dhex dhacay.

Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda nabadda ee Itoobiya, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dhaqan-gelin lahaa heshiisyadii horey ay u gaareen madaxweynayaasha labada deegaan, kuwaas oo loogu talagalay in lagu soo afjaro colaadda.

Odayaasha Soomaalida ee ka qaybgalay kulanka ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ay tahay ka hortagga dagaallo kale iyo xoojinta is-afgaradka labada qoomiyadood.

Deegaannada Cafarta iyo Soomaalida oo xuduud wadaaga ayaa muddooyinkii la soo dhaafay la daalaa-dhacayay dagaallo soo noq-noqday, kuwaas oo ilaa hadda aan xal waara loo helin.

Colaadda u dhexeysa labada deegaan ee Soomaalida iyo Cafarta ayaa salka ku haysa muran dhuleed.

Bulshada Ciisaha ee ku nool galbeedka Sitti ayaa aaminsan in ay ka tirsan yihiin deegaanka Soomaalida, halka maamulka Cafartana uu sheeganayo in dhulkaasi ka mid yahay dhulkiisa.

Dadaallada socda ayaa looga gol leeyahay in si nabadeed xal waara looga gaaro khilaafka taagan, kaas oo dhowr jeer sababay in labada dhinac dagaalamaan, una horseeday khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Maraykanka  28ka Maarso 2025 Ururka xuquuqda madaniga ah ee Muslimiinta Mareykanka ayaa ka codsaday booliiska gobolka Ohio inay baaraan weerar lagu qaaday haweeney Soomaali ah, taasoo laga yaabo in loo arko danbi nacayb ah.

Guddiga Xiriirka Muslimiinta Mareykanka (CAIR) ayaa sheegay in haweeneyda la weeraray ay sugeysay baska ardeyda carruurteeda markii afar qof oo caddaan ah ay kusoo weerareen meel u dhow dhismo guryo ah oo ku yaalla Columbus, 20-kii Maarso.

Muuqaalka dhacdada ayaa muujinaya kooxdan oo muran la gelaya haweeneyda kahor inta aanay dhulka ku tuurin. Mid ka mid ah dadka weerarka gaystay ayaa si isdaba joog ah u garaacay iyada oo jiifta sagxadda, sida ay sheegtay CAIR. Markii ay isku dayday inay dib ugu laabato dhismaha, qof kale oo ka soo baxay dhismaha ayaa wejiga ku dhuftay.

Haweeneyda, oo aan magaceeda la shaacin, ayaa loola cararay isbitaalka halkaas oo lagu daweeyay ka hor inta aan la fasixin. Waxay u sheegtay CAIR inay aaminsan tahay in loo bartilmaameedsaday sababo la xiriira jinsiyaddeeda iyo diinteeda.
“Tani ma aha dhacdo gooni ah,” ayuu yiri Khalid Turaani, agaasimaha fulinta ee laamaha CAIR ee Ohio. “Waxay muujinaysaa qaab ballaaran oo cadaawad iyo takoorka lagula beegsado bulshooyinka la hayb-sooco.”

CAIR ayaa ugu baaqday booliiska inay ururiyaan oo ay dib u eegaan muuqaalada CCTV-ga ee kaamirooyinka ku xeeran goobta, isla markaana ay ku oogaan eedeymo la xiriira weerarka iyo danbiga nacaybka ah.

Sidoo kale, CAIR waxay ka codsatay saraakiisha inay dib u eegaan qaabka ay booliisku ula tacaaleen dhacdada markii hore si loo ogaado haddii ay jirto wax maamul xumo ah oo lagu sameeyay kiiskan.

CAIR, oo ah ururka ugu weyn ee u dooda xuquuqda Muslimiinta Mareykanka, ayaa dhawaan soo saaray warbixin sanadeed muujinaysa kororka cabashooyinka ka dhanka ah Muslimiinta iyo Carabta. Warbixinta ayaa diiwaangelisay 8,658 dhacdo sanadkii 2023 — tiradii ugu badnayd tan iyo markii ururku bilaabay ururinta xogtan sanadkii 1996.

Weerarkan ayaa yimid xilli la adkeeyay feejignaanta la xiriirta sida loola dhaqmo bulshada Muslimiinta iyo taageerayaasha Falastiiniyiinta ee Mareykanka oo dhan. Maalmihii la soo dhaafay, laamaha socdaalka ayaa xiray dhowr qof oo lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin mudaaharaadyo ka dhacay jaamacadaha.

Waxaa ka mid ah Mahmoud Khalil, oo hore u ahaa arday ka qalin jabiyay Jaamacadda Columbia, iyo Badar Khan Suri, oo ah bare ka dhiga Jaamacadda Georgetown. Labaduba waxay wajahaan dacwado tarxiil ah oo la xiriira hadallo lala xiriirinayo ururka Hamas, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

Arbacadii, Rumeysa Ozturk, oo u dhalatay dalka Turkiga ahna arday PhD ka ah Jaamacadda Tufts, ayaa sidoo kale lagu xiray Mareykanka.

WARARKA MAANTA 27ka Maarso 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxuu yahay safar deg deg ah ee Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” u aaday Turkiga? Maxuuse Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi “Dhaweeye/Waarikoow” u fashilka gudaha iyo dibadaba ay uga hadlayaan shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka? Ma aragtaan dagaal wakhti kororsi ayuu bilaabay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa badalay dastuurkii lagu doortay?  Maxaa ka cusub #Soomaaliya Iyo Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo kashifaad iyo fashil weyn ku dhex jira? Yaa dhacay hantidii dadweynaha? Yaa diiday inay Dowladda Iyo Dowlad Gobaleedyada wadashaqeeyaan Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa qabsan raba #Muqdisho? Yaa doorasho qabanaa? Maxay ka dhici doontaa Teendhadii Afisyoone mise qof iyo cod? Meeqo lacag uu xaday Madaxweynaha Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye’? ayaa #Switzerland taala?  Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” u diiday inuu dhiso Maxkammadda Dastuuriga ah? Maxuuse u diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho? Maxayse beesha caalamka ugu diiday lacagtii laga xanibay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidi kara inay labada aqal lagu dhigay kuwo aan ka shaqayn danta guud ee Ummadda Soomaaliyeed? Yaase maanta diidi kara inuu Madaxweyne Mudane Xassan Iyo Raysal Wasaare Mudane Xamsa wada fashilmeen? Ha Wiqleyso! 

Muqdisho 27ka Maarso 2025 SRa’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dalka uu ka socdo dagaal adag oo lagula jiro Kooxda Al shabaab uu tilmaamay in yihiin kuwa kasoo horjeeda nabadda iyo horumarka dadka iyo dalka, waxaana uu ku baaqay in dagaalkoodi loo midoobo.

Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa shaaca ka qaaday in Kooxda Al shabaab ay dhadhamiyeen jab xoogganna ay gaarsiiyeen ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka, xilli uu ka hadlayey munaasabad Af-fur wadareed ah oo ay iskugu yimaadeen ardayda Soomaaliyeed ee wax ku bartay dalka Malaysia.

“Qorshuhu ma ahan oo kaliya in Khawaarijta la iska celiyo ee waa in dalka laga tirtiro, maxaa yeelay wax horumar ah dalkeennu ma sameyn karo inta ay taako ka mid ah joogaan, waana lagama maarmaan in aan dhammaanteen u midowno dagaalkooda”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Waxa uu xusay in Al shabaab marka ay soo dagaal galayaan ay yihiin kuwa muqaaloo soo daawada kadib sidaas kusoo dagaal gala waxaana uu xusay in hadii dagaalkoodi loo midoobo si fudud dalka looga saari karo.

Waxa uu ugu dambeyn ujeediyay Shacabka Soomaaliyeed iyo ardaydaba in ay kaalintooda ka qaataan nabadda, horumarka iyo dowlad-dhiska socda, si loo xaqiijiyo hiigsiga ummadda Soomaaliyeed ee ku aaddan Soomaaliya xasilloon oo horumar gaarta.

Muqdisho 27ka Maarso 2025 Sonja Nientiet oo ah Kalkaaliso caafimaad oo ka soo jeedda dalka Jarmalka, lagana afduubtay  magaalada Muqdisho iyadoo u shaqeynaysay Hay’adda ICRC ayaa dhawaan ka soo muuqatay muuqaal laga sii daayay barta Youtube-ka.

Kanaal Youtube oo uu sameeyay shaqsi lagu magacaabo Liibaan Cismaan ayaa shalay soo shaac baxay, inkastoo aan la xaqiijin karin cidda uu yahay.

Fiidiyowga, Sonja ayaa waxay kaga codsaneysaa dowladda Jarmalka inay xoojiso dadaallada lagu soo deynayo, iyadoo ka digaysa in nolosheeda ay khatar ku jirto haddii ay weli ku sii jirto afduubka.

Sonja ayaa laga afduubtay magaalada Muqdisho 2-dii May 2018, maalmihii u dambeeyay waxaa soo baxayay walaac ku saabsan in ay weli nooshahay iyo in kale, waxaana muuqaalkan uu hadda xaqiijiyay inay nooshahay, balse ay xaalad adag ku jirto.

Warbixinno hore ayaa sheegay in kooxaha afduubtay ay ka mid yihiin shaqsiyaad ka tirsanaa ilaalada ICRC, kuwaas oo dalbaday lacag madax furasho ah oo malaayiin dollar ah.

Dowladda Jarmalka, gaar ahaan hay’adda sirdoonka BND, ayaa muddo laba sano ah si qarsoodi ah u waday baaritaan, iyagoo la socday khadadka isgaarsiinta si ay u helaan xog ku saabsan afduubkan

Muqdisho 27ka Maarso 2025 Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay kordhiso maalgelinta dadaallada xasilinta Soomaaliya.

Guddoomiyaha Midowga Afrika  ayaa walaac ka muujiyay yaraanta dhaqaale ee haysta Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta ee Midowga Afrika (AU) ee Soomaaliya, isaga oo ku baaqay ballanqaad caalami ah oo cusub si loo xaqiijiyo nabadda iyo amniga dalka.

Waxaan horey uga bilaabay Addis Ababa wada-hadallo aan la leeyahay qaar ka mid ah saaxiibadayada si aan u xaqiijiyo in aan Soomaaliya la dayicin. Soomaaliya waxay weli tahay xarunta danaha beesha caalamka,” ayuu yiri Youssouf.

Dhawaan, shir jaraa’id oo uu si wadajir ah ula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayuu ku adkeeyay ballanqaadkiisa ku aaddan la shaqeynta saaxiibada caalamiga ah, isaga oo xusay baahida loo qabo taageero joogto ah si loo xoojiyo dagaalka socda ee lagula jiro Al-Shabaab. Waxa kale oo uu carrabka ku adkeeyay in hawlgalka nabad ilaalinta ee AU uu ku jiro marxalad kala-guur ah oo xasaasi ah.

“Waxaan rabaa inaan halkaan ku xuso in caqabadahan la xallin karo. Laakiin waxaan u baahanahay ballanqaad, waxaan u baahanahay ka go’naansho, waxaana u baahanahay taageerada beesha caalamka,” ayuu yiri.

Youssouf ayaa sidoo kale xusay doorka ay beesha caalamku ku leedahay la dagaallanka burcad-badeednimada ka jirta Gacanka Cadmeed, Kanaalka Gardafuul, iyo Badda Soomaaliya.

Muqdisho 27ka Maarso 2025 Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in ay si weyn u damqisay in argagaxisadu ay dib u qabsadeen deegaanka Masaajid Cali Gaduud, oo ay Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa deegaanku ka xoreeyeen laba sano ka hor.

Kheyre ayaa sheegay inuu uga digayo bulshada Soomaaliyeed in deegaan ay argagaxisadu la wareegeen loo fasiro fashil ku yimid qof, koox, ama beel gaar ah, taas oo uu sheegay inay bulshada kala qeybineyso, midnimada ummadda kala dhantaaleyso, isla markaana hiillo iyo dhiirrigelin u tahay argagaxisada arxanka daran.

Hoos ka aqriso qoraalka Kheyre oo dhameystiran:

Waxaa i damqisay in argagaxisadu ay maanta dib u qabsadeen deegaanka Masaajid Cali Gaduud, oo ay Ciidamada Qalabka Sida iyo halyeeyada deegaanku ka xoreeyeen laba sano ka hor, ayna nooga shahiideen halyeeyo qaran oo naftooda qaaliga ah u huray xoreynta dadkooda iyo dalkooda.

Argagaxisadu waa caqabadda ugu weyn ee maanta hortaagan horumarka Soomaaliya, waxayna duullaan ku yihiin guud ahaan dadka iyo deegaannada Soomaaliyeed. Soomaalidu waa ul iyo diirkeed, waana fashil u soo hoyday qof kasta oo Soomaali ah mar kasta oo ay argagaxisadu naga qabsadaan taako ka mid ah dhulkeenna hooyo.

Haddaba, waxaan bulshada Soomaaliyeed uga digayaa in deegaan ay argagaxisadu la wareegeen loo fasiro fashil ku yimid qof, koox, ama beel gaar ah. Fasirkaasi wuxuu bulshada kala qeybinayaa, midnimada ummaddana wuu kala dhantaalayaa, wuxuuna u yahay hiillo iyo dhiirrigelin argagaxisada arxanka daran.

Guulihii horay looga gaaray la dagaallanka argagaxisada iyo deegaannadii laga xoreeyay waxaa lagu xaqiijiyay wadajirka dadka Soomaaliyeed, shacab iyo dowladba, taas oo tusaale nool u ah awoodda wadajirka iyo in midnimadu tahay jidka kaliya ee looga guuleysan karo argagaxisada.

Waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqayaa inuu qaato kaalinta hoggaamineed ee samatabixinta dadka iyo dalka, meel iska dhigo waxyaabihii sababay in lagu kala irdhoobo siyaasadda, bulshada Soomaaliyeedna u fidiyo gogol qaran oo looga tashanayo samatabixinta dalka, si wadajir looga shaqeeyo xoreynta dalka iyo ciribtirka khawaarijta.

Waxaan ku jirnaa tobanka dambe ee bisha barakeysan ee Ramadaan. Waxaan guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ku boorrinayaa in loo duceeyo dalka iyo dadka Soomaaliyeed, si aan kala har lahaynna u garab istaagno Ciidamada Qalabka Sida iyo dadaallada dalka looga xoreynayo khawaarijta.

Muqdisho 27ka Maarso 2025 Wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa faahfaahin ka bixiyey qorshaha beesha Abgaal ee dagaalka Khawaarijta, isagoo ugu horeyn faahfaahin ka bixiyey dagaalkii ka dhacay Masaajid Cali Gaduud, wuxuuna sheegay in lagu guuleystay in deegaanka dib looga qabsado kooxda Al-Shabaab.

“Sheekh Shariif iyo Cali Guudlaawe oo deegaanka madax ka ah ayaa noogu weyn, waan la wadaagnay culeyska jira waana diyaar, Sheekh Shariif hada wuxuu ku maqan yahay cumrada, markii uu yimaado waa safka hore dagaalka ayuu wax ka gelayaa,” ayuu yiri Xasan Xundubey.

Xundubey oo wareysi siiyey Dalsan TV ayaa  sharaxaad ka bixiyey qorshaha socda, wuxuu sheegay inuu xubin ka yahay guddi beesha ah oo baaritaan ku sameeyey sababta u fududeysay kooxda Al-Shabaab inay soo galaan Shabeellaha Dhexe, baaritaan kadib wuxuu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh ay kula kulmeen Cadale, iyagoo u gudbiyey warbixin dhameystiran.

“Intii aan joognay Cadale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe, si guud iyo siyaabo gaar gaar ahba waan ula kulanay, waxaan u gudbinay go’aan lagu abaabulayo howlgalka oo beeshu ka mideysan tahay, in kastoo ay jiraan dad muhiim ah uu cumrada jira, hadana wax kasta waa noo diyaar, waana ku laabaneynaa deeganaada kooban ee cadowgu soo galay,” ayuu yiri Xundubey.

Wuxuu sheegay in dadka reer Sh/Dhexe ay diyaar u yihiin in dhulkooda ay xoreystaan oo difaacdaan, “dadka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa waxaan u diyaarsanahay in sidii aan horay uga xoreysanay deegaanka aan hadana u xajisano guusha, marka yaan afka lagu taageerin Khawaarijta,” ayuu yiri.

Xundubey ayaa sheegay deegaanada ay Shabaab soo galeen inay yihiin kuwo kooban oo isku aadan, “qaladaadii dhacay ee sababay inay Shabaab soo galaan deegaanka ayaan saxeynaa, kadibna waxaan iska saareynaa cadowga, ragga dhan waa diyaar, xitaa aniga, furinta ayaan tegeynaa,” ayuu yiri Xundubey.

Wuxuu sheegay in aysan jirin cid hadda lagu eedeyn karo in dagaalka aysan diyaar u aheyn, laakiin waa la isku canaana karaa gaabiska jira, “anigu waxaan qabaa hadii dulduleelkaan aan saxno Al-Shabaab malaha awood ay dadkaan ku hor istaagaan,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku sii daray in gobollada Shabeellooyinka ay muhiim u yihiin amniga Muqdisho iyo difaaca qaranimada Soomaaliya, “Taasi waxay sababtay in madaxweynuhu baxo oo Shabeellaha Dhexe dego, si loo difaaco qaranimada, meeshii culeys ka yimaado in  madaxweynuhu u gurmado wax ceeb ah maaha,” ayuu yiri.

Wasiirkii hore ee amniga ayaa sheegay in Shabaab aysan laheyn awood ay ku hor istaagaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka “Howlgalka hadda bilaabanaya waa kii lagu soo afjari lahaa kooxdaan, malaha wax awood ah, dadka afka ku jebinaya ha joojiyeen, hadii kale waxaad gaari doontaan maalin aad ka shalaayi doontaan,” ayuu hadalkiiisa ku sii daray.

Muqdisho 27ka Maarso 2025 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga.

Safarkan ayaa ku yimid kadib casuumaad uu madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga, Rajab Dayib Erdogaan.

Inta lagu gudajiro booqashada, Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ayaa la kulmi doona dhiggiisa Turkiga, iyaga oo ka wada-hadli doona sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhanka militariga, amniga, xoojinta iyo joogtaynta gulufka lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Booqashadani ayaa muhiim u ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye ee lagu ciribtirayo argagixisada, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay dagaalka adag ee lagula jirto Khawaarijta si loo xaqiijiyo xasilloonida, nabadda, iyo dib u dhiska dalka.

Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhexeeya xiriir walaaltinimo oo qotodheer, kaas oo gaarsiisan heer istaraatijiyadeed isla markaana taabanaya dhinacyada amniga, militariga, ganacsiga, dhaqaalaha buluugga, tamarta iyo waxbarashada.

Safarka madaxweynaha oo yimid xilli xasaasi ah

Safarka madaxweynaha ee Turkiga ayaa imanaya xilli uu meel xasaasi ah marayo dagaalka kooxda Al-Shabaab, oo iyadu shalay la wareegtay gacan ku haynta deegaanka Masaajid Cali Gaduud, oo qiyaastii 40 km koonfureed kaga beegan degmada Cadale, halkaas oo shalay uu maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa madaxweynaha, uuna kasoo laabtay shalay.

Qabsashada kooxda ayaa timid kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay degmada isaga baxeen, kaddib weerar aroornimadii hore ee shalay ku bilowday qaraxyo, sida wararku sheegayaan.

Xaaladda amni ee Sh/Dhexe ayaa laga deyrinayaa, iyadoo go’aanka madaxweynaha ee ku aaddan soo gaabinta safarkiisa Cadale uu muujinayo heerka sare ee khatarta amni ee ka taagan gobolka, taasoo u baahan in si deg-deg ah looga jawaabo.

Heshiisyo cusub oo Ankara lagu saxiixayo

Sida aan horay u baahinay Soomaaliya waxaa la keenay diyaarado dagaal oo Turkiga laga keenay, kuwaas oo maalmahaan lagu howlanaa dib u howlgelintooda.

Xasan Sheekh ayaa hadda Turkiga kusoo saxiixaya heshiis ku saabsan diyaaradahaas oo ka howlgeli doona dalka oo dhan, gaar ahaan goobaha ay joogaan kooxaha argagixisada ah.

Madaxweynaha dalka Turkiga iyo madaxda sare ee shirkadda sameysa diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar, heshiisyada la gelayo ayaa ku saabsan howlgelinta diyaaradaha cusub ee Soomaaliya la keenay oo labo nooc oo casri ah, kuwaas oo ugu yaraan seddax xabo ah.

Inkastoo aan lasii faah-faahin nooca heshiisyada la kala saxiixanayo, hadana waxay Soomaaliya si joogto ah ugu baahnaa doontaa in laga caawiyo gantaalaha ay diyaaraduhu ku ridayaan argagixisada iyo tababarka askarta Soomaaliyeed ee howlgelineysa.

Xasan Sheekh ayaa hadda qorsheynaya inuu xoogga saaro duqeymaha, isagoo shalay kasoo laabtay furimaha dagaalka, kadib markii Al-Shabaab ay dagaal kula wareegeen deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo ku xiga degmadii uu habeen hore Xasan Sheekh ku hoyday ee Cadale.

Si kastaba, culeys badan ayaa ka jira dagaalka dhulka ah, waxaana gacanta Al-Shabaab galay dhul badan, lama garanayo meesha ay wax ka qaldan yihiin, balse waxaa muuqata in habac badan uu ka jiro dhanka hoggaaminta dagaalka ee dowladda.

WARARKA MAANTA 26ka Maarso 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Ma aragtaan dagaal wakhti kororsi ayuu bilaabay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa badalay dastuurkii lagu doortay?  Maxaa ka cusub #Soomaaliya Iyo Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo kashifaad iyo fashil weyn ku dhex jira? Yaa dhacay hantidii dadweynaha? Yaa diiday inay Dowladda Iyo Dowlad Gobaleedyada wadashaqeeyaan Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa qabsan raba #Muqdisho? Yaa doorasho qabanaa? Maxay ka dhici doontaa Teendhadii Afisyoone mise qof iyo cod? Meeqo lacag uu xaday Madaxweynaha Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye’? ayaa #Switzerland taala?  Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” u diiday inuu dhiso Maxkammadda Dastuuriga ah? Maxuuse u diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho? Maxayse beesha caalamka ugu diiday lacagtii laga xanibay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidi kara inay labada aqal lagu dhigay kuwo aan ka shaqayn danta guud ee Ummadda Soomaaliyeed? Yaase maanta diidi kara inuu Madaxweyne Mudane Xassan Iyo Raysal Wasaare Mudane Xamsa wada fashilmeen? Ha Wiqleyso! 

Midowga 26ka Maarso 2025 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si qoto dheer ugu mahadcelisay dowladda Turkiga taageerada xooggan iyo garab istaagga ay u fidisay dadaallada socda ee lagula dagaallamayo kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys, oo la hadlay TRT Afrika, ayaa muujiyay muhiimadda iskaashiga difaaceed ee Turkigu si joogto ah ula garab taagan yahay Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka lagula jiro kooxda xagjirka ah ee muddada dheer carqaladeyneysay xasilloonida dalka.

Wasiir Aweys ayaa carrabka ku adkeeyay in taageerada Turkiga aysan ku koobnayn kaliya dhinaca farsamada, balse ay ka turjumayso walaaltinimo qoto dheer oo xoojinaysa awoodda ciidamada amniga xilli muhiim ah oo dalku wajahayo.

“Xiriirka aan la leenahay Turkiga waa mid waara, ku dhisan dan wadaag iyo iskaashi istaraatiji ah,” ayuu yiri Wasiir Aweys. “Waa tiir muhiim u ah la-dagaalanka argagixisada, xoojinta amniga, iyo horumarinta nabadda waarta ee gobolka. Iskaashigan wuxuu tusaale u yahay sida awoodaha soo koraya ay gacan uga geysan karaan xasillinta iyo dib-u-dhiska dowladaha kasoo kabanaya colaadaha.”

Nabad lagu gutay Ramadaanka

Wasiir Aweys ayaa sidoo kale ammaanay taageerada Turkiga ee bisha barakeysan ee Ramadaan, isagoo ku tilmaamay tallaabo dhab ah oo muujinaysa midnimo iyo garab istaag. Wuxuu xusay in iskaashiga labada dal uu si weyn uga qayb qaatay dadaallada dhismaha nabadda ee Soomaaliya.

“Iskaashigeennu wuxuu ahaa mid lama huraan ah,” ayuu yiri. “Garab istaagga joogtada ah ee ay Turkigu na siiyeen intii lagu jiray Ramadaanka wuxuu muujiyay walaaltinimo dhab ah, wuxuuna door muhiim ah ka qaatay soo celinta nabadda dalka.”

Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa si weyn uga faa’iideystay taageerada Turkiga oo ay ka mid yihiin tababarka dugsiyada milateriga, taageero farsamo, iyo qalab horumarsan oo dhanka difaaca ah. Taageeradan ayaa horseeday horumar la taaban karo, taasoo keentay in Ramadaanka 2025 uu noqdo mid ka nabad badan sannadihii hore ee ay colaadaha iyo amni darridu hareeyeen.

“Iskaashigan awgiis, waxaan markhaati ka nahay Ramadaan deggan oo ka duwan kuwii hore,” ayuu yiri Aweys. “Khayraadka ay ina siiyeen iskaashigan difaaceed ayaa muhiim u ahaa xoojinta hawlgalladeenna milateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana ay si weyn uga qayb qaateen guulaha aan ka gaarnay dagaalka.”

Xakamaynta dacaayadda Al-Shabaab

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hoggaaminaya dagaal qaran oo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida, taasoo Soomaaliya ku haysay argagixiso muddo ka badan toban sano.

Dhawaan, Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa guulo waaweyn ka gaartay kooxdaas, iyagoo dilay in ka badan 80 dagaalyahan isla markaana gacanta ku dhigay tiro kale.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa sidoo kale qaaday tallaabooyin muhiim ah oo lagu xakameynayo warbaahinta faafisa borobogaandada Al-Shabaab, iyadoo xirtay xarumo warbaahineed oo lala xiriiriyay kooxda.

Guddiga Madaxa Bannaan ee Warbaahinta Soomaaliya ayaa ammaanay tallaabadan, isagoo sheegay inay lagama maarmaan u tahay difaaca shacabka lagana ilaaliyo marin habaabinta iyo adeegsigga khaldan ee diinta.

Waxaa intaa dheer, dowladda Soomaaliya ayaa mamnuucday isticmaalka magaca “Al-Shabaab” warbaahinta qaar, taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu xadidayo saameynta kooxda ee doodaha bulshada.

Wasiir Aweys ayaa hadalkiisa kusoo gabagabeeyay isagoo mar kale ku celiyay go’aanka Soomaaliya ee ah inay si buuxda u cirib tirto Al-Shabaab. Wuxuu carabka ku adkeeyay in ciidamada amniga oo ay garab taagan yihiin Turkiga iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah ay dalka ka xorayn doonaan kooxaha argagixisada ah.

“Waxaan kalsooni ku qabnaa guusha howlgaladeenna, iyadoo aan leenahay meel istiraatiji ah oo muhiim ah gobolka,” ayuu yiri. “Waxaan si gaar ah ugu mahadcelineynaa Turkiga taageeradooda joogtada ah. Anagoo la kaashanayna saaxiibadeenna, waxaan cirib tiri doonnaa Al-Shabaab, waxaana dalka dib ugu soo celin doonnaa nabad iyo xasillooni waarta.”

Madax-bannaanida Soomaaliya

Wasiir Aweys ayaa sidoo kale ugu baaqay warbaahinta caalamka inay ka fiirsato sheegashooyinka ah in xiriirka Turkiga uu saameyn ku yeeshay go’aannadii dhowaan ee Golaha Wasiirrada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in sheegashooyinkaas ay si khaldan u matalayaan madax-bannaanida Soomaaliya, isagoo xusay in hoggaanka dalka uu go’aamada u gaaraa si madax bannaan oo ku saleysan danaha qaranka iyo shacabka.

Wasiirku wuxuu intaa ku daray in Soomaaliya ay sii wadi doonto iskaashiga ay la leedahay saaxiibadeeda caalamiga ah, iyadoo u maraysa hannaan waafaqsan himiladeeda amniga, horumarka iyo isku filnaanshaha.

 Isagoo xusay in Soomaaliya tahay dal madax bannaan, ayuu adkeeyay inay ka go’an tahay dhisidda xiriir istiraatiji ah oo ku saleysan is-ixtiraam, si mudnaanta loo siiyo amniga, horumarka, iyo xasilloonida dalka.

Masar 26ka Maarso 2025Madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah El-Sisi ayaa xaqiijiyay in Masar ay ka go’an tahay inay taageerto dadaallada dowladda Soomaaliya iyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku aaddan la dagaallanka argagixisada si xassilooni buuxa loogu soo dabaalo Soomaaliya.

Waxa uu shaaca ka qaaday Al sisi in Masar ay ka go’an tahay sii wadida dadaalka wadajirka ah ee lagu raadinayo aragtiyo ballaaran oo iskaashi dhinacyo kala duwan leh, iyadoo la eegayo xiriirka walaaltinimo ee dhow iyo danaha wadaagga ah ee ka dhaxeeya labada dal.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xilli shalay uu Madaxweyne Sisi khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Afhayeenka Madaxtooyada Danjire Maxamed El-Shenawy ayaa sheegay in Madaxweyne Sisi uu qadka telfoonka ku xaal wareeystay Madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii dhawaan la isku dayay in la bartilmaameedsado kolonyadiisa oo kasoo dhaqaaqday Madaxtooyada Soomaaliya.

Wuxuu caddeeyay in Masar ay si buuxda u garab taagan tahay, hoggaankeeda iyo shacabkeedaba, madaxweynaha Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed ee dhinacyada ammaanka iyo la dagaalanka Argagixisada.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhankiisa u mahadceliyey Madaxweyne Sisi, isagoo ku ammaanay taageerada Masar ay la garab taagan tahay dalkiisa

WARARKA MAANTA 25ka Maarso 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxaa ka cusub #Soomaaliya Iyo Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo kashifaad iyo fashil weyn ku dhex jira? Yaa dhacay hantidii dadweynaha? Yaa diiday inay Dowladda Iyo Dowlad Gobaleedyada wadashaqeeyaan Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa qabsan raba #Muqdisho? Yaa doorasho qabanaa? Maxay ka dhici doontaa Teendhadii Afisyoone mise qof iyo cod? Meeqo lacag uu xaday Madaxweynaha Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye’? ayaa #Switzerland taala?  Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” u diiday inuu dhiso Maxkammadda Dastuuriga ah? Maxuuse u diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho? Maxayse beesha caalamka ugu diiday lacagtii laga xanibay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidi kara inay labada aqal lagu dhigay kuwo aan ka shaqayn danta guud ee Ummadda Soomaaliyeed? Yaase maanta diidi kara inuu Madaxweyne Mudane Xassan Iyo Raysal Wasaare Mudane Xamsa wada fashilmeen? Ha Wiqleyso! 

Midowga 25ka Maarso 2025 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay ka qaybgalay kulan madaxeed wadajir ah oo ay yeeshaan dalalka xubnaha ka ah urur gobolleedyada Bariga iyo Koonfurta Afrika ee EAC iyo SADC oo looga arinaanaayay arrimaha ka taagan dalka Congada Dimuqraadiga.

Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Kulan kaan uga qeyb galay aaladda fogaan-aragga, waxaana inta badan madaxdii ka qeyb gashay ay diiradda ku saareen xaaladda amni darro ee ka taagan bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay kulanka ayaa waxa uu sheegay in xaaladda bini’aadanimo ee ka jirta Bariga Congo ay masuuliyad ka saaran tahay dalalka gobolka in ay xal u helaan, isla markaana si degdeg ah wax looga qabto.

Waxa uu sidoo kale hadalkiisa raaciyay in Soomaaliya ay aaminsan tahay in nabad waarta oo laga gaaro DRC lagu heli karo qorshe dhameystiran, oo ay ka qayb qaataan dhammaan dhinacyada is haya, Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika si xal kama dambeys ah oo amni loogu helo dagaalka.

War murtiyeed ka soo baxay shirka wadajirka ah ee labada urur ee EAC iyo SADC ayaa waxaa lagu magacaabay guddi ka kooban shan xubnood oo ah Madaxweynayaal hore kuwaasi oo ka shaqeyn  doona xal u helidda arrinta DRC, waxaana ay kala yihiin:-

1. Madaxweynihii hore ee Nigeria, Olusegun Obasanjo

2. Madaxweynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta

3. Madaxweynihii hore ee South Africa, Kgalema Motlanthe

4. Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Catherine Samba Panza

5. Iyo Madaxweynihii hore ee Ethiopia, Sahle-Work Zewde.

DhuusaMareeb 25ka Maarso 2025 Hogaamiyaha Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay inay jirto dib u howlgalinta ciidamadii Ahlu Sunna ee Gobolada dhexe ka xoreeyay Al shabaab kuwaasi oo kusoo biiraya dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al shabaab.

Sheekh Shaakir ayaa tilmaamay in arintaan ay kawada hadleen isaga iyo General ka ugu sareeya ciidanka Militariga Soomaaliya General Odawaa Yuusuf Raage oo uu shaaca ka qaaday inuu qorshahaasi si weyn usoo dhoweeyay.

Waxa uu xusay Sheekh Shaakir in siyaasiyiinta Soomaalida ay arintaan ku garab taagan yihiin xitaa Dowladdu ay ka warheyso dib u howlgalinta ciidamadaan iyadoo laga faaideysanayo khibrada ay u leeyihiin dagaaladii ay kaga sifeeeyen Gobolada Dhexe.

Sheekh Shaakir ayaa hadalkaan u sheegay wareysi uu siiyay TV ga maxaliga ah ee SMS, waxaana uuna carab ku adkeeyay in Ciidamada Ahlu Sunna la diyaariyay ayna ku biiri doonaan jiidaha hore ee dagaalka si ay u caawiyaan ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

Hadalka Sheekh Maxamed Shaakir ayaa imaanaya iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay jirtay hadal hayn badan oo qabsatay baraha Bulshada kaa oo ahaa in Ahlu Sunna dib ay isku abaabuleyso si ay ugu biirto dagaalka lagula jiro al shabaab.

Masar Iyo eritrea 25ka Maarso 2025  Eritrea iyo Masar ayaa diiday in wadamada aan xeebaha lahayn ay ka qayb qaataan sugidda amniga Badda Cas, iyagoo ula jeeda Itoobiya, waxayna sheegeen in maamulka marin-biyoodkan ay tahay inay hoggaamiyaan “dalalka ku teedsan Badda Cas”

Go’aankan ayaa laga shaaciyey war kasoo baxay madaxtooyada Masar, kaddib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea, Cismaan Saalax, uu Axaddii booqasho ku tagay Qaahira.

Diidmada Masar iyo Eritrea ayaa imaneysa ayada oo Soomaaliya iyo Itoobiya ay u socdaan wada-hadallo ku saabsan sidii Muqdisho ay marin bad u siin laheyd Addis-Ababa, kadib markii labada dal ay ka heshiiyeen khilaaf u dhaxeeyey.

Afhayeenka madaxtooyada Masar, Danjire Maxamed Al-Shennaawi, ayaa sheegay in Cismaan uu farriin uu ka siday Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, uu gaarsiiyay Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Sisi. Madaxweyne Al-Sisi ayaa dhankiisa xaqiijiyay in “Masar ay ka go’antahay xoojinta xiriirka labada dal.” Waxa kale oo uu tilmaamay in wadahadalladu ay diiradda saareen “xasiloonida gobolka iyo iskaashiga dhinaca amniga.”

Kulanka, oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar Badr Cabdalaati iyo Madaxa Hay’adda Sirdoonka Guud Rashad Xasan, ayaa sidoo kale looga hadlay amniga Badda Cas.

Labada dal ayaa carrabka ku adkeeyay in “dalalka xeebaha leh” ay tahay inay hoggaanka u qabtaan maamulka marinka biyahaas, iyagoo si adag u diiday “in ay farageliyaan dalalka aan xeebaha lahayn,” oo loola jeedo Itoobiya oo raadineysa bad.

Booqashada ayaa timid kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, uu Khamiistii khudbad uu baarlamaanka ka jeediyay ku tilmaamay marin u helidda Badda Cas inay Itoobiya u tahay “arrin muhiim u ah jiritaankeeda,” balse meesha ka saaray inay Eritrea “ku duulayaan.”

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in xal kasta lagu saleeyo “is-faham” iyo “mabaadii’da suuqa,” isagoo ka digay in haddii aan arrintan xal laga gaarin ay mustaqbalka sababi karto caqabado badan.

Dhanka kale, Cismaan ayaa hore u sheegay in Eritrea ay “la yaabban tahay” waxa uu ku tilmaamay “hanka khaldan iyo fikirka gaboobay” ee Itoobiya ay ku raadineyso marin biyood, ha noqoto “diblomaasiyad ama awood milateri.”

Waxa uu beesha caalamka ugu baaqay inay hubiso in Itoobiya ay ixtiraamto “madax-bannaanida iyo wadajirnimada dhuleed ee dalalka dariska ah.”

Kulankii Axadda dhexmaray Eritrea iyo Masar ayaa sidoo kale lagu soo qaaday xaaladaha Suudaan iyo Soomaaliya, iyadoo walaac laga muujiyay “colaadda muddada dheer socotay ee Suudaan” iyo saamaynta ay gobolka ku leedahay.

Labada dhinac ayaa mar kale xaqiijiyay taageeradooda “dadaallada nabadda lagu soo celinayo,” waxayna ku celceliyeen muhiimadda ay leedahay “xasiloonida Soomaaliya si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo ilaalinta amniga gobolka.”

Safarkii Cismaan ee Qaahira ayaa yimid kaddib booqasho uu hore ugu tegay Riyadh, halkaas oo uu kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, Amiir Faysal bin Farxaan bin Cabdallaah.

Kulankaas ayuu sidoo kale farriin ka siday Madaxweynaha Eritrea oo uu gaarsiiyay Dhaxal-sugaha ahna Ra’iisul Wasaaraha Sacuudiga, Maxamed bin Salmaan bin Cabdulcasiis.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo arrimaha muhiimka ah ee gobolka, iyadoo kulanka uu goob joog ka ahaa Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Sacuudiga, Injineer Waliid bin Cabdikariim Al-Khureyji.

Midowga 25ka Maarso 2025 Saacadihii lasoo dhaafay waxaa aad loo falanqeeyay sawir lagu arkay Villa Somalia, kaas oo shalay galab ay qabteen kaamirooyinka xilli Madaxweyne Xasan Sheekh, Ra’iisul Wasaare Xamza iyo Guddoonka Baarlamaanka Federaalka ay madaxtooyada ku soo dhaweynayeen Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf.

Sawirka la arkay wuxuu ahaa mid muujinaya qoyska Madaxweyne Xasan Sheekh oo derbiga ku xardhan, waxaana sawirkaasi abuuray hadal-heyn xooggan.

Sawirkaasi wuxuu ka kooban yahay saddex sawir oo isku dhegsan hal boor, kuna daabacan derbiga weyn ee madaxtooyada, kaas oo qof kasta oo u socda xafiisyada madaxtooyada uu soo hor marayo.

Iyadoo madaxda laga duubayay sawirro iyo muuqaallo ayaa sawirkan ay qabteen kaamirooyinku, taas oo dhalisay hadal-heyn xoog leh oo ka tarjumeysa shaki dadweynaha ka qabaan qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh ee qabashada doorasho xor iyo xalaal ah iyo suurta-galnimada inuu xilka wareejiyo haddii laga guuleysto.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa xilli madaxtooyada dhismo cusub lagu sameeyay, dalkuna uu dagaal ku jiro, shakiga doorashaduna uu sii xoogeysanayo, iyadoo muddo xileedka Madaxweynaha uu sii dhammaanayo.

Hadal-heynta shacabka ka timid sawirkan ayaa muujineysa cabsi laga qabo in Madaxweyne Xasan Sheekh uu bilaabayo kaligii-talisnimo, isla markaana aysan muuqan astaan muujineysa in uu diyaar u yahay qabashada doorasho la mid ah middii uu markii hore xilka ku yimid.

Dad badan oo aragtidan qaba, baraha bulshada ku faafiyay, waxay aaminsan yihiin in aan dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah oo Madaxweynaha uu sheegay inuu qaban doono, iyagoo ololihiisa u fasirtay inuu damacsan yahay inuu sii joogo xukunka inta xaaladdu ka noqonayso sida uu rabo.

Qaarkood waxay la yaab ku tilmaameen sababta dal dagaal ku jira, madaxtooyadiisa loogu sawiray qoyska Madaxweynaha, halka qaar kalena ay su’aal geliyeen xikmadda ka dambeysa buunbuuninta qoyska Madaxweynaha.

Midowga 25ka Maarso 2025 Dhammaan shantii qof ee saarnaa diyaarad xamuul ah oo ku dhacday duleedka magaalada Muqdisho 5:44 daqiiqo galabnimo, xilliga Geeska Afrika, maalintii Sabtida, ayaa geeriyooday, sida uu sheegay maamulka Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Diyaaradda oo nooceedu ahaa DHC-5D Buffalo, laguna sameeyay dalka Canada, ayaa ka diiwaangashanayd dalka Kenya. Waxaa saarnaa laba duuliye, injineer, iyo qof maamula xamuulka.

Agaasimaha Hay’adda Duulista Hawada ee Soomaaliya, Axmed Macallin Xasan, ayaa BBC-da uga warramay sidii ay wax u dhaceen ka hor inta aysan diyaaradda dhicin.

“Shantii iyo afartan iyo afar daqiiqo ayey ahayd, maqribkuna wuu soo dhowaa. Hal matoor ayaa diyaaradda ka damay, sida aan ognahay iyo sida diiwaanka ku jirta, markii ay kusoo dhawaatay Muqdisho. Kadib, hawada ayey ka baxday,” ayuu yiri.

Diyaaradda ayaa subaxnimadii hore ee Sabtida ka duushay garoonka Muqdisho iyadoo u qaaday raashin ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ka howlgala, kuwaasoo hore loogu yaqaanay ATMIS.

Diyaaradda ayaa si nabad ah xamuulka ugu geysay magaalada Dhoobley, balse markii ay kasoo laabatay oo ay dooneysay inay kusoo degto Muqdisho, ayay ku burburtay degaanka koonfureed ee magaalada.

Sida la sheegay, diyaaradda waxay ku dhacday dhul ciid ah oo ku dhow badda, oo aan dad joogin.

Agaasime Axmed Macallin Xasan ayaa xaqiijiyay in, shan daqiiqo gudahood kadib markii ay waayeen xiriirka diyaaradda, la ogaaday in ay cilad jirto.

“15 daqiiqo gudaheed waxaan ku helnay in diyaaradda ay ku dhacday meel 13 kiiloomitir u jirta garoonka Muqdisho, dhinaca koonfureed, kuna dhow xeebta,” ayuu yiri.

Meydka shanta qof ee la socday diyaaradda ayaa laga soo qaaday goobta ay ku burburtay, waxaana la keenay Muqdisho ka hor inta aan loo sii gudbin dalkooda.

Diyaaradda oo aan ku dhicin goob dad badan joogaan iyo iyada oo ahayd mid xamuul ah ayaa hoos u dhigtay khasaaraha nafeed.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gurmadkii gaaray diyaaradda ay heleen hal qof oo nool, balse geeriyooday markii dambe.

Sababta keentay shilka diyaaradda ilaa hadda lama oga. Agaasime Axmed waxa uu sheegay in ay socoto baaris la xiriirta waxa sababay shilka.

“Waxa kaliya ee xaqiiqda sheegi kara waa qalabka xogta duuba ee diyaaradda. Inta aan ognahay, duuliyaha ayaa noo sheegay in hal matoor uu ka damay diyaaradda. Wixii intaas ka dheer waxaa lagu ogaan doonaa baaritaanka hadda socda,” ayuu yiri.

Baaritaanka ayaa la filayaa in uu qaato ugu badnaan hal sano, balse waxaa la rajeynayaa in warbixin horudhac ah ay si degdeg ah usoo baxdo.

Diyaaradda ayaa la sheegay in maalmo ka hor dayactir lagu sameeyay, islamarkaana aysan lahayn cilad la ogaa. Khubarada qaarkood waxay qabaan in shilalka diyaaradaha ay sababaan diyaarado gaboobay iyo xaaladaha adag ee lagu shaqeynayo.

Diyaaradda DHC-5D Buffalo waa nooc loogu talogalay in ay ku degto garoomada yaryar ama meelaha ciriiriga ah. Inta badan waxaa loo isticmaalaa in ay xamuul geyso meelaha fog ee ay adag tahay in la gaaro.

Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ugu yar ee ay ka dhacaan shilal diyaaradeed marka loo eego caalamka. Sanadkii tagay ee 2024, wax shil ah kama dhicin dalka.

Sanadkii 2022, bishii Luulyo, waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku dhacday diyaarad rakaab ah oo ka timid magaalada Baidoa.

Sidoo kale, sanadkii 2020, diyaarad ay lahayd shirkadda Skyward ee dalka Kenya ayaa ku burburtay dhabaha ay diyaaradaha ka haadaan ee garoonka Aadan Cadde. Diyaaradda waxaa saarnaa afar qof oo shaqaale ah, waxaana dhaawacyo kasoo gaareen laba kamid ah.

Dalalka Mareykanka, Ruushka, Canada, Brazil, iyo Colombia ayaa ka mid ah dalalka ugu badan ee ay ka dhacaan shilalka diyaaradeed adduunka

Midowga 25ka Maarso 2025  Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo dhanka casriyeynta ciidamada ah kadib markii ay la wareegtay diyaaradda weerarka ah ee qumaatiga u kaca, T129 ATAK, taasoo ay soo saartay shirkadda Turkish Aerospace Industries.

Iibsiga diyaaraddan ayaa noqonaysa isbeddel weyn oo ku yimid Ciidanka Cirka Soomaaliya, iyadoo dalka uu doonayo in uu xoojiyo awoodda hawlgallada milatari si wax looga qabto hanjabaadaha amni ee sii socda.

Iyadoo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, uu weli yahay mudnaanta koowaad, Soomaaliya ayaa maalgelin ku sameyneysa diyaarado casri ah oo hawada ah si ay u sugto amniga dhulka una horumariso dagaalka lagula jiro kooxaha fallaagada ah.

T129 ATAK waa diyaarad weerar oo leh laba kursi, looguna talagalay taageeridda ciidanka dhulka, kormeerka hubeysan, iyo weerarro bartilmaameedsan. Waxay ku saleysan tahay madalkii A129 Mangusta, waxaana loo habeeyey si ay u daboolo baahida Ciidamada Turkiga, kahor intaysan dalal kale sida Soomaaliya daneyn.

Diyaaraddan ayaa aad u lebbisan, waxaana lagu qalabeeyey garab weyn oo leh shan baal iyo marsho dabada kaga yaal oo labo baal leh, taasoo u suurta galinaysa in ay si hufan uga hawlgasho meelaha adag.

Waxay leedahay qalab avionics casri ah, oo ay ku jiraan: nidaam toos ah oo xakameeya duulista, nidaamka hagista gudaha ee isku xiran GPS, iyo indho-gashi duuliyaha ku rakiban oo suurta gelinaya in bartilmaameed la beegsado maalintii iyo habeenkii.

Waxaa tamar siiya laba matoor oo ah LHTEC T800-4A, iyadoo leh xawaare joogto ah oo gaaraya 269 km/h iyo masaafo dheer oo gaareysa 1,000 km, taasoo siinaysa dabacsanaan hawlgal oo sare.

Diyaaraddan ayaa sidoo kale lagu qalabeeyey hub kala duwan oo u diyaarsan xaaladaha dagaal. Waxay leedahay qori 20mm ah oo lagu rakibay turub, kaasoo ridi kara illaa 500 xabbadood, iyo afar garab oo xambaari kara 1,200 kg oo sahay ah.

Waxa kale oo lagu hubeyn karaa gantaallada lidka taangiyada ee UMTAS, gantaallada hagista leh ee 70mm Cirit, gantaallo cirka-cirka ah, iyo qoryaha 12.7mm ah. Qalabkan kala duwan wuxuu siinayaa T129 awood ay ku taageerto ciidanka dhulka iyo weerarro sax ah oo lagula beegsado bartilmaameedyo la tilmaamay.

Si loo kordhiyo badbaadada diyaaraddu ay ku yeelan karto meelaha halista ah, waxaa lagu xoojiyey difaacyo casri ah oo ay ka mid yihiin: qalabka dhuxul-kariyaha infrared, qalab jameeya hirarka raadiyaha, nidaamka digniinta gantaallada, iyo qalab ogaada hanjabaadaha raadaarka — kuwaas oo kor u qaadaya awoodda ay diyaaradda uga badbaadi karto weerarada laga soo rido dhulka.

Keenista T129 ATAK ee ciidanka Soomaaliya waxay muujinaysaa kobaca iskaashi milatari ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga. Iskaashigan ayaa si weyn u kordhay sanadihii la soo dhaafay, gaar ahaan iyadoo la dhisay saldhigga milatari ee TURKSOM ee Muqdisho, halkaas oo lagu tababaro ciidamo Soomaali ah oo sidoo kale helaya agab casri ah iyo wareejin tignoolajiyadeed.

Imaatinka T129 waa qeyb ka mid ah dadaallo ballaaran oo lagu horumarinayo xirfadda iyo qalabka ciidamada Soomaaliya, si loo casriyeeyo awoodda milatari loona dhimo ku-tiirsanaanta ciidamo shisheeye. Iyadoo ay awood u leedahay in ay madax-bannaan uga hawlgasho deegaanada adag, T129 waxay noqonaysaa qalab muhiim ah oo lagu xakameeyo loona xasilin karo goobo istiraatiiji ah.

Dhinaca kale, Turkiga ayaa dhowaan sidoo kale Soomaaliya siiyey diyaarad drone ah oo ah Bayraktar Akıncı, sida uu daabacay Army Recognition, taasoo sii xoojinaysa awoodda cirka ee dalka. Si kastaba ha ahaatee, diyaaradda T129 ATAK ayaa leh muhiimad gaar ah maadaama ay si dhakhso leh uga falcelin karto xaaladaha degdegga ah ayna siin karto ciidanka dhulka taageero toos ah oo sax ah.

Awoodda ay u leedahay in ay la qabsato dagaallada aan caadiga ahayn ayaa ka dhigaysa hub muhiim ah oo wax looga qaban karo hanjabaadaha kooxaha hubeysan ee ku sugan meelaha fog.

Go’aanka Soomaaliya ay ku heshay T129 ATAK wuxuu la jaanqaadayaa qorshayaal ballaaran oo istiraatiiji ah, gaar ahaan kuwa la xiriira dagaalka ka dhanka ah kooxaha fallaagada ah iyo kobcinta awoodda milatari ee gudaha.

Dowladda ayaa ku dadaalaysa in ay dhisto awood ciidan oo cirka ah si ay uga maarmo ku-tiirsanaanta ciidamo shisheeye. Diyaaraddan oo leh howlo badan iyo waxtar dagaal oo sare, waxay siineysaa ciidamada Soomaaliya qalab degdeg ah oo wax ku ool ah si ay uga jawaabaan khataraha amni ee soo noqnoqda.

Keenista diyaaraddan weerarka ah ee T129 ATAK waxay muujinaysaa in Soomaaliya ay qaadayso tallaabo weyn oo lagu xoojinayo awoodda militari ee dalka. Iibsigan wuxuu caddeyn u yahay sida ay dowladda uga go’an tahay horumarinta awoodda isdifaaca iyo weerarka, iyadoo sidoo kale la xoojinayo xiriirka istiraatiijiga ah ee lala leeyahay Turkiga.

Diyaaraddan ma ahan kaliya iib gooni ah, balse waa qeyb ka mid ah isbeddel ballaaran oo lagu sameynayo dhismaha ciidamada Soomaaliya, iyadoo la doonayo in la casriyeeyo hab-raaca ciidanka, lana helo madax-bannaani hawlgal oo buuxda si wax looga qabto caqabadaha amniga ee hadda iyo kuwa mustaqbalka.

WARARKA MAANTA 24ka Maarso 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa dhacay hantidii dadweynaha? Yaa diiday inay Dowladda Iyo Dowlad Gobaleedyada wadashaqeeyaan Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa qabsan raba #Muqdisho? Yaa doorasho qabanaa? Maxay ka dhici doontaa Teendhadii Afisyoone mise qof iyo cod? Meeqo lacag uu xaday Madaxweynaha Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye’? ayaa #Switzerland taala?  Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” u diiday inuu dhiso Maxkammadda Dastuuriga ah? Maxuuse u diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho? Maxayse beesha caalamka ugu diiday lacagtii laga xanibay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidi kara inay labada aqal lagu dhigay kuwo aan ka shaqayn danta guud ee Ummadda Soomaaliyeed? Yaase maanta diidi kara inuu Madaxweyne Mudane Xassan Iyo Raysal Wasaare Mudane Xamsa wada fashilmeen? Ha Wiqleyso! 

Midowga Yurub 24ka Maarso 2025 Guddoomiyaha Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf oo Axadii soo gaaray Muqdisho ayaa xalay kulan casho sharaf ah loogu sameeyay xarunta madaxtooyada qaranka, kaas oo ay ka qayb-galeen madaxda sare ee dalka, sida madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, guddoomiyeyaala labada Aqal, xildhibaanno, wasiirro iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Maxamuud Cali Yuusuf oo ka hadlay madasha ayaa ballan-qaaday inuu xoojinayo garab istaagga uu Midowga Afrika u muujiyo Soomaaliya, si ay u gaarto isku filnaan buuxda, ugana gudubto marxaladihii adkaa ee ay soo martay 30-kii sanno ee lasoo dhaafay.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale taageeray qorshaha Xasan ee ku aadan la dagaallanka argagixisada iyo qabashada doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda Soomaaliya, wuxuuna boggaadiyay labadaasi qodob oo uu tilmaamay inay gacan ku siinayaan madaxweynaha.

“Inta aan Guddoomiyaha Midowga Afrika ahay garab istaagga wax joogsanaya ma ahan, Soomaaliya waxa ay ku socotaa dhabbaha doorasho qof iyo cod ah.”  ayuu yiri Maxamuud Cali Yuusuf.

Dhankiisa, madaxweyne Xasan Sheekh oo isna hadalka qaatay ayaa u mahadceliyay guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, wuxuuna hoosta ka xaiiqay in Soomaaliya ay ku garab istaageyso gudashada waajibka saaaran ee guud ahaan Qaaradda Afrika.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in Soomaaliya iyo Jabuuti ay isku milan yihiin siyaasad ahaan iyo qadiyad ahaan, ayna yihiin walaalo, sidaas awgeed ay ula shaqeynayaan sidii Soomaaliya oo ku guuleysatay kursigaan oo kale.

“Guddoomiye Maxamuud Cali Yuusuf waxa ay Soomaaliya kuu ballan-qaadeysaa in ay kaala shaqeyso mas’uuliyadda ballaaran ee heer qaaradeed ah, Nin Soomaaliya yaqaan oo duruufaheedana fahmaya oo xannuunka Soomaaliya dhiniciisa kasoo qabtay ayaa guddoominaya Midowga Afrika waana kaba sii fiican”  ayuu yiri Xasan Sheekh.

Horay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si weyn ugu taageertay Maxamuud Cali Yuusuf inuu noqdo guddoomiyahah cusub ee Midowga Afrika, isaga oo ka adkaaday musharrixii ka socday Kenya ee Raila Odinga, wuxuuna helay taageeradii loo baahnaa ee laba-meelood laba ka mid ah codadka hoggaamiyeyaasha gobolka, taasoo u suuragelisay inuu qabto xilka wakiilka qaaradda, oo ay ku nool yihiin 1.5 bilyan oo Afrikaan ah.

Diblomaasigan oo si fiican ugu hadla Soomaali, Carabi, Ingiriisi iyo Faransiis – ayaa si dhow ula xiriira madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Jabuuti oo ugu dambeyn hanatay kursigaan ayaa ka mid ah dalalka ugu dadka yar Afrika, iyadoo ay ku nool yihiin qiyaastii hal milyan oo qof, balse waxay leedahay goob istiraatiiji ah oo muhiim ah, maadaama ay ku taallo badda u dhow marinka Bab-el-Mandeb, oo uu maro ganacsiga caalamiga ah.

Muqdisho 24ka Maarso 2025 Dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in maanta ciidamo dheeraad ah ay u dirtay waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, kadib markii dhowaan ay soo galeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa howlgallo waddo furis ah ka bilaabay inta u dhexeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar oo ah halka lagu arkay xubnaha kooxda Al-Shabaab, si ay uga sifeeyaan dhulkaasi, una fududeeyaan isku socodka labada magaallo.

Deegaannada ay howlgallada ka socdaan waxaa kamid ah deegaanka Qalimow oo dhaca waddadaas, waana deegaan istaraatiiji ah halkaas oo ay soo gaareen Al-Shabaab.

Waxaa kamid ah meelaha kale ee lagu arkay xubnaha Al-Shabaab deegaanno isku xiro magaalooyinka Balcad iyo Afgooye, halkaas oo ay kusii jeedaan ciidamada dowladda.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamadu ay halkaasi ka sameysteen bar-koontarool iyaga oo sidoo kale wada dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Tallaabadan ayaa ujeedkeedu yahay in looga hortago xubnaha Al-Shabaab ee mararka qaar kusoo dhuunta deegaannadaasi, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Dhawaan ayaa sidoo kale la arkay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo taagan waddada maraysa deegaannada Ceelasha Biyaha, Lafoole iyo Xaawo Cabdi, iyaga oo baarayay gaadiidka dadka rayidka ah.

Al-Shabaab ayaa Ceelasha Biyaha ka damisay layrarkii ku xirnaa jidadka waaweyn ee deegaanka, waxayna dadka deegaanka u sheegeen inay si nabad ah ku joogaan halkaasi. Lama so

Xaaladdan cusub ayaa cabsi xooggan ku abuurtay dadka deegaanka, waxaana arrintaasi dhalisay hadal-heyn ballaaran oo ka socota baraha bulshada, iyadoo dadku ay is-weydiinayaan sida ay kooxdaasi ugu suuragashay inay si sahlan ku gaaraan halkaasi.

Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe ayaa haatan laga dareemayaa culeysyo cusub oo kooxda ay ku hayso shacabka iyo deegaannada, kaddib markii ay dib ula wareegeen tuulooyin horay looga saaray, waxaana hadda socda howlgallo culus oo lagu doonayo in lagu xoreeyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa xirtay tuutaha, wuxuuna gaaray furimaha hore ee dagaalka, si uu dhiirogelisyo ciiidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Soomaaliya ayaa haatan wajahaysa xaalad u baahan badbaado degdeg ah, maadaama Al-Shabaab ay wadaan weerarro is-daba-joog ah oo aan horay loo arag, halka awoodda ciidamada qaranka ay meelaha qaar hoos u dhacday, waxaana muuqda baahi weyn oo loo qabo abaabul xooggan iyo dadaal mideysan oo heer qaran ah.

Masar 24ka Maarso 2025 Dowladda Masar ayaa si cad u beenisay wararka sheegaya in ay oggolaatay in nus milyan qof oo reer Gaza ah dib u dejin loogu sameeyo dhulkeeda.

Waaxda Warfaafinta Masar (SIS) ayaa war qoraal ah ku sheegtay in wararkaas yihiin been-abuur aan wax sal iyo raad ah lahayn.

Masar waxay sheegtay in mowqifkeedu ahaa mid cad tan iyo bilowgii dagaalka Gaza bishii Oktoobar 2023, iyada oo gebi ahaanba ka soo horjeeda in Falastiiniyiinta la barakiciyo – si khasab ah ama si iskood ahba.

Warbixintan ayaa timid kadib markii warbaahin ay ku jirto midda Israa’iil ay daabacday sheegashada ah in Masar ay diyaar u tahay in ay si ku meel gaar ah u dejiso qaxooti Falastiiniyiin ah oo ka yimid Gaza, loona diyaariyay magaalo cusub oo ku taalla Waqooyiga Sinai.

Al-Sisi oo caddeeyay mowqifkiisa

Madaxweynaha Masar, Cabdel Fattaax Al-Sisi ayaa dhankiisa si cad u beeniyay wararka sheegaya in uu qorsheynayo in Falastiiniyiinta laga raro Gaza loona wareejiyo dhulka Masar.

Sheegashadan waxaa xoojiyay hadal uu jeediyay Wasiirka Difaaca Israa’iil, Yisrael Katz, oo tilmaamay in qorshahani uu la xiriiray hindise uu horay u soo jeediyay Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Donald Trump.

Katz ayaa sidoo kale ku hanjabay in Israa’iil ay sii wadayso duullaanka Gaza ilaa Xamaas ay sii deyso la haystayaasha Israa’iil.

Dowladda Israa’iil ayaa Talaadadii dib u billowday duqeymihii ba’an ee Gaza, ka dib markii wadahadalladii xabbad-joojinta ay burbureen.

Tallaabadan ayaa dhalisay cambaareyn caalami ah, iyadoo Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, uu muujiyay walaac ka dhashay sida uu u socdo dagaalka.

Masar ayaa markale ku celisay in aysan aqbali doonin wax qorshe ah oo Falastiiniyiinta looga raro dhulkooda, iyada oo ku adkeysatay in xalka Gaza uu yahay in la helo nabad waarta oo aan ku salaysnayn barakicin ama xad-gudub xuquuqda Falastiiniyiinta.

Muqdisho 24ka Maarso 2025 Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga mid noqotay Heshiiska Bangiga Dhoofinta iyo Soo-dajinta ee Afrika (Afreximbank).

Tan ayaa Soomaaliya ka dhigeysa dalkii 53-aad oo xubin ka noqda hay’addan maaliyadeed ee ka howl-gasha guud ahaan qaaradda Afrika.

Ku biiritaanka Soomaaliya ee Afreximbank ayaa lagu caddeeyay qoraal rasmi ah oo uu saxiixay Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Hirsi Jaamac Gaani, kaasoo lagu wargeliyay in Soomaaliya ay aqbashay heshiiska aas-aaska ee bangiga, isla markaana ay qaadayso dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo dedejiyo ansixinta heshiiska.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku tilmaantay xubinnimada Afreximbank tallaabo muhiim ah oo horay loogu sii qaadayo koboca dhaqaale, horumarinta kaabayaasha ganacsiga iyo warshadaha dalka.

Waxa kale oo ay xustay in tani ay Soomaaliya ka caawinayso ka qeyb-qaadashada dadaallada isku-xirka dhaqaalaha Afrika, gaar ahaan iyada oo loo marayo Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika (AfCFTA).

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Guddiga Agaasimayaasha ee Afreximbank, Prof. Benedict Oramah ayaa si diirran u soo dhoweeyay go’aanka Soomaaliya, isagoo tilmaamay in isdhexgalkaasi uu kor u qaadayo faa’iidooyinka labada dhinac ee iskaashiga cusub.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cabdullaahi ayaa xusay in dadka Soomaaliyeed ay caan ku yihiin ganacsigooda iyo hal-abuurkooda dhaqaale, wuxuuna ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed inay si wanaagsan uga faa’iidaystaan fursadaha ballaaran ee uu Afreximbank bixiyo.

Soomaaliya ayaa sanadihii dambe xoojineysay joogitaankeeda gobolka iyo ka-qeybgalka ururrada iyo dalladaha qaaradda, iyadoo xaqiijisay ku biiristeeda urur-goboleedka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

WARARKA MAANTA 23ka Maarso 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa qabsan raba #Muqdisho? Yaa doorasho qabanaa? Maxay ka dhici doontaa Teendhadii Afisyoone mise qof iyo cod? Meeqo lacag uu xaday Madaxweynaha Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye’? ayaa #Switzerland taala?  Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” u diiday inuu dhiso Maxkammadda Dastuuriga ah? Maxuuse u diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho? Maxayse beesha caalamka ugu diiday lacagtii laga xanibay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidi kara inay labada aqal lagu dhigay kuwo aan ka shaqayn danta guud ee Ummadda Soomaaliyeed? Yaase maanta diidi kara inuu Madaxweyne Mudane Xassan Iyo Raysal Wasaare Mudane Xamsa wada fashilmeen? Ha Wiqleyso! 

Muqdisho 23ka Maarso 2025 Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Cusub ee Ururka Midowga Africa Maxamuud Cali Yuusuf ayaa maanta yimid magaalada Muqdisho waana safarkiisi ugu horeeyay ee tan iyo markii la doortay uu ku yimaado Soomaaliya oo xubin ka ah Midowga Africa, waxaana si weyn soo dhoweyn diiran loogu sameeyay Garoonka Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhoweeyay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, waxaana sidoo kale goob joog ahaa xubno ka tirsan Golaha wasiirada xukuumadda iyo mas’uuliyiinta howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf  oo la doortay bilowgii February 2025 ayaa kulamo muhiim ah la qaadan doonaa Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre kuwaas oo ka wada hadli doona arrimo muhiim u ah Soomaaliya iyo Ururka Midowga Afrika.

Soomaaliya waxa ay door weyn ay ka ciyaartay doorashadii uu kusoo baxay Guddomiyahaan cusub ee Midowga Africa ee horey u soo noqday wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti.

Socdaalkiisa waxa ay muujinaysaa ahmiyadda gaarka ah ee uu Guddomiyaha ay u leedahay Soomaaliya oo hadda ka bilaabatay howlgalka cusub xasilinta iyo nabadeenta guud ee Soomaaliya.

Puntland 23ka Maarso 2025 Puntland ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeysay inay degmooyin ka tirsan maamulkeeda ay ku dartay maamulka Galmudug.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheekh Cali oo ka horyimid tallaabadan ayaa sheegay in dowladda dhexe ay degaannada gobolka Mudug ka hurinayso colaad ay fooda isku daraa labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug.

Sidoo kale waxa uu ka digay in aysan marna ka maamul ahaan aqbali doonin in colaad iyo isku dhacyo hubaysan laga abaabulo gobolka Mudug.

Sidee dhul Puntland ah loogu daray Galmudug?

Hay’adda dowladda federaalka Soomaaliya u diiwaan-gelinta iyo aqoonsiga dadweynaha ee NIRA ayey Puntland ku eedeysay in degmooyinka Galdogob iyo Jarriiban u diiwaan-gelisay kuwa ka tirsan dowlad-goboleedka Galmudug.

Tan ayaa waxaa si weyn uga qeyliyay maamulka Puntland, oo sheegay in aysan aqbali doonin in dhul kamid ah la siiyo maamulka ay jaarka yihiin ee Galmudug.

“Maamulka gobolka Mudug wuxuu si cad u cambaaraynayaa go’aanka sharci darrada ah ee ay qaaday hay’adda diiwaangelinta iyo aqoonsiga DFS ee NIRA, kaasi oo degmooyinka Galdogob iyo Jarriibam ee Puntland uu gebi ahaanba ugu daray maamulka Galmudug,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland.

Waxa uu intaas kusii daray: “Qoraalkaan oo aan helnay waxa uu salka ku hayaa xaqiraad lagula kacayo dad iyo degaan ka tirsan Puntland, waxaana si buuxda halkaan uga cadaynaynaa in degmooyinka Jariiban, Goldogob iyo Gaalkacyo oo iyada la wada dagan yahay ay yihiin degmooyin ka tirsan Maamulka Puntland ee Soomaaliya.”

Tallaabooyinkan ayuu ku sheegay kuwa soo noq-noqday oo ka hor imaanaya dastuurka dalka, isla markaana ah fal khatar gelinaya nabadda, wadajirka, darisnimada iyo xasiloonida bulshada ku dhaqan deegaanada gobolka Mudug ee labada maamul.

“Ma aha wax la aqbali karo in mar walba la maqlo qoraalo caynkaas ah oo salka ku haya dano siyaasadeed iyo xaqiraad joogta,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiye Faysal Sheekh Cali.

Ugu dambeyntiina, guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland ayaa ugu baaqay hay’adda diiwaan-gelinta iyo aqoonsiga dadweynaha ee NIRA in ay waantoobaan go’aannada noocaan ah, isla markaana ay ixtiraamaan jiritaanka maamulka Puntland iyo xuduudaheeda dastuuriga ah.

Muqdisho 23ka Maarso 2025 Kooxda Al-Shabaab oo muddooyinkii dambe xoogga saartay deegaannada dhaca duleedka magaalada Muqdisho, ayaa waxaa shaki xooggan laga muujinayaa suurta-galnimada inay si qarsoodi ah gudaha ugu soo galeen caasimadda.

Madaxweynihii hore ee HirShabelle, Cali Cosoble oo arrintan ka hadlay, ayaa shaki weyn ka muujiyay in kooxdu ay dagaal-yahanno badan si dhuumasho ah ugu soo gelisay caasimadda.

Wuxuu laamaha amniga usoo jeediyay inay sameeyaan baaritaanno culus oo deg-deg ah, si looga hortago dhagarta cadowga, oo mar walba u xeeladeysanaya dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

“Dagaalka lagula jiro AS waa in dhinacyo badan laga fiiriyo. Waxaan shaki weyn ka qabaa inay si dhuumasho ah u soo buux-dhaafiyeen Xamar,” ayuu yiri Cali Cosoble.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan ku talinayaa in baaritaanno culus laga sameeyo gudaha caasimadda. Ka-hortagga ayaa ka tayo sarreeya ka-dabatagga.”

Al-Shabaab iyo duleedka Muqdisho

Maalmo kahor ayey aheyd markii la xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab lagu arkay waddada maraysa deegaannada Ceelasha Biyaha, Lafoole iyo Xaawo Cabdi, iyaga oo baarayay gaadiidka dadka rayidka ah.

Al-Shabaab ayaa Ceelasha Biyaha ka damisay layrarkii ku xirnaa jidadka waaweyn ee deegaanka, waxayna dadka deegaanka u sheegeen inay si nabad ah ku joogaan halkaasi.

Lama soo werin wax iska caabin ah oo ay la kulmeen markii ay halkaas yimaadeen. Inkasta oo markii dambe ay ku baxeen ciidamada dowladda oo haatan gacanta ku haya ammaanka deegaannadaasi.

Horay sidan oo kale ayay kooxda Al-Shabaab usoo gaareen degmada Balcad oo qiyaastii 35 KM u jirta caasimadda, halkaas oo ay muddo kooban haysteen ka hor inta aysan isaga bixin.

Kooxda waxay deegaannadan ku gashay sawirro, kuwaasi oo ay baahisay warbaahinta kooxda oo iyadu ka dhigeysa in dagaal-yahaannadeeda ay si rasmi ah ula wareegeen deegaannadaasi.

Waa istaraatiijiyad cusub oo haatan kooxdu u adeegsaneyso baraha bulshada, si ay u muujiso inay weli leedahay awood ay meel ku qabsan karto.

Muqdisho 23ka Maarso 2025 Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in sharciga kala noqoneyso boqolaal kun oo qaxooti ah, taas oo siinaysa waqti kooban oo ay dalka uga baxaan, haddii kale ay wajahaan tarxiil

Madaxweyne Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu fulin doono ololaha ugu weyn ee masaafurinta taariikhda Mareykanka, isaga oo xoogga saaraya xakameynta qaxootiga ka soo jeeda dalalka Latin America.

Amarkan wuxuu saameyn doonaa ku dhawaad 532,000 oo qof oo u dhashay Cuba, Haiti, Nicaragua, iyo Venezuela, kuwaas oo markii hore Mareykanka u soo galay iyagoo ka faa’iideysanaya barnaamij uu sameeyay madaxweynihii hore Joe Biden bishii Oktoobar 2022, barnaamijkaas oo la ballaariyay bishii Janaayo ee sannadka xigay.

Qaxootigaas waxay waayi doonaan xaaladdooda sharci 30 maalmood kadib marka amarka cusub lagu daabaco Diiwaanka Rasmiga ah ee Federaalka, oo loo qorsheeyay Talaadada soo socota.

Sida ku cad amarka, qof kasta oo barnaamijkan uu kafaala qaaday waa inuu “ka baxaa Mareykanka” ugu dambeyn Abriil 24, haddii uusan helin xaalad cusub oo sharci oo u oggolaanaysa inuu waddanka sii joogo.

Ururka Welcome US, oo ka shaqeeya taageeridda qaxootiga ku sugan Mareykanka, ayaa ku booriyay kuwa uu amarkani saameynayo inay si degdeg ah ula xiriiraan qareen dhinaca socdaalka.

Barnaamijka CHNV iyo saamayntiisa

Barnaamijka loogu talagalay dadka u dhashay Cuba, Haiti, Nicaragua, iyo Venezuela, oo loo yaqaan CHNV, ayaa markii hore lagu dhawaaqay Janaayo 2023. Wuxuu dadka ka soo jeeda dalalkan u oggolaaday inay Mareykanka ku joogaan muddo laba sano ah, iyadoo bil walba la siin jiray oggolaansho 30,000 qof.

Madaxweyne Biden ayaa barnaamijkan ku tilmaamay hab “amin ah oo bani’aadannimo” oo lagu yareynayo culeyska ka jira xadka Mareykanka iyo Mexico oo aad u buuxay. Balse Waaxda Amniga Gudaha ayaa ku adkeysatay Jimcaha in barnaamijku uu ahaa “ku meel-gaar.”

“Paroolka waa dabeecad ahaan mid ku meel-gaar ah, parool kaligii ma ahan saldhig sharci oo lagu heli karo xaalad socdaal, mana ahan aqoonsi rasmi ah oo Mareykanka loogu soo galay,” ayay tiri waaxda.

Saamaynta qaxootiga iyo qareennada

Nicolette Glazer, oo ah qareen dhinaca socdaalka ku takhasustay, ayaa sheegtay in amarkani uu saameyn doono inta badan nus-milyanka qof ee Mareykanka ku yimid barnaamijka CHNV.

“Waxay kaliya soo gudbiyeen 75,000 oo codsiyo magangelyo rasmi ah, sidaas darteed inta badan dadka CHNV waxay waayi doonaan xaaladdooda sharci, rukhsadaha shaqada, waxayna la kulmi doonaan in la masaafuriyo,” ayay ku qortay barta X. “Fowdadu waxay noqon doontaa mid aad u weyn.”

Karen Tumlin, oo ah agaasimaha xarunta xuquuqda qaxootiga ee Justice Action Center, ayaa sheegtay in maamulka Trump uu jebinayo ballan-qaadkii ay dowladdu u sameysay boqolaal kun oo qaxooti ah iyo kafaala-qaadayaashooda.

“Ka noqoshada lama filaanka ah ee xaaladda sharciga ah ee boqolaal kun oo qaxooti ah waxay keeni doontaa fowdo iyo murugo aan loo baahnayn oo qoysas iyo bulshooyin badan soo wajihi doona,” ayay tiri Tumlin.

Toddobaadkii hore, Trump ayaa adeegsaday sharci aan caadi ahayn oo waqti dagaal loo isticmaalo si uu diyaarad ugu daadgureeyo in ka badan 200 oo xubnood oo la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin koox dambiileyaal Venezuelan ah, kuwaas oo loo wareejiyay El Salvador.

Dalkaasi ayaa ballanqaaday inuu xabsiga dhigi doono qaxootiga, xitaa kuwa Mareykanka ah, si qiime jaban.

Sanadihii la soo dhaafay, in ka badan todoba milyan oo Venezuelan ah ayaa ka qaxay dalkooda iyagoo ka cararaya burburka dhaqaale ee dal batroolka ku qanisan. Madaxweynaha bidixda ah ee Nicolas Maduro—oo Mareykanku si aad ah u dhaleeceeyay—ayaa wajahaya cunaqabateyn weyn.

Muqdisho 23ka Maarso 2025 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kasoo laabtay furimaha dagaalka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Mahamoud Ali Youssouf oo ay isla garteen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey kaalinta muhiimka ah ee Midowga Afrika uu ka qaadanayo dadaallada nabadeynta, dib-u-dhiska dowladnimada iyo xoojinta amniga gudaha ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay geesinimada iyo naf-hurnimada ay muujiyeen walaalaha Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay la dagaallanka argagixisada xasuuqa ku haya shacabka Soomaaliyeed, kana soo horjeeda jiritaanka iyo horumarka dalka.

Xasan Sheekh ayaa aad u ammaanay sida dalalka Gobolka ay u kordhiyeen garab istaagga ku aaddan howlgallada ka dhanka ah argagixisada.

“Argagixisada uma harin meel ay kaga dhex dhuuman karaan Soomaaliya, dhulkii iyo dadkiiba waa diideen, Alle idankii, waa ku guuleysan doonnaa in aan gebi ahaanba ka dabar-goyno dalkayaga oo iska dulqaadno dhagartooda, boobkooda iyo xasuuqa ay ku hayaan nafta iyo maalka dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa isla qaatay in labada dhinac ay ka wadasheeyaan horumarinta iskaashiga dhaqaalaha, dib-u-habeynta hay’adaha dowladda, iyo xoojinta amniga gobolka, si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay door firfircoon ka qaadato geeddi-socodka dib u habaynta Midowga Afrika, kana shaqeyso in ay khibraddeeda daminta colaadaha sokeeye iyo nabadaynta ay uga faa’iideyso dalalka qaaradda iyo gobolka.

Madaxweynaha ayaa ku faanay in Soomaaliya ay ku jirtay dalalkii ugu horeeyey ee aasaasay Ururka Midowga Afrika, isagoo Guddoomiyaha cusub uga mahadceliyey booqashadiisa iyo sida uu Soomaaliya ugu balan-qaaday garab istaagga buuxa.

Maxamuud Cali Yuusuf oo ahaa wasiirkii arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti 20-kii sano ee lasoo dhaafay, ayaa dhowaan loo doortay guddoomiyaha ururka Midowga Afrika, wuxuuna maanta safarkiisii ugu horeeyey ku yimid Muqdisho.

WARARKA MAANTA 22ka Maarso 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta:  Meeqo lacag uu xaday Madaxweynaha Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye’? ayaa #Switzerland taala?  Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” u diiday inuu dhiso Maxkammadda Dastuuriga ah? Maxuuse u diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho? Maxayse beesha caalamka ugu diiday lacagtii laga xanibay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidi kara inay labada aqal lagu dhigay kuwo aan ka shaqayn danta guud ee Ummadda Soomaaliyeed? Yaase maanta diidi kara inuu Madaxweyne Mudane Xassan Iyo Raysal Wasaare Mudane Xamsa wada fashilmeen? Ha Wiqleyso! 

Muqdisho 22ka Maarso 2025 Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) iyo hay’adda Africa Risk Capacity (ARC) ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku soo gabagabeeyay shir socday muddo shan maalin ah oo loogu gogol xaarayo yagleelidda qorshe lagu yareeynayo khatarta abaarta ee haatan ka jirta Soomaaliya.sho 22ka Maarso 2025

Madax ka socotay Hay’addaha Caalamka, Safiirka Soomaaliya ee Nairobi iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka oo ka socday seddex Guddi oo kamid ah Guddiyada Barlamaanka Soomaaliya ayaa goob joog ahaa munaasabadaan oo xooga lagu saaray arrimaha isbadalka cimilada iyo sidii loogu sii diyaar garoobi lahaa abaaraha kusoo wajahan Soomaaliya.

Hay’adda ARC ayaa Hay’adda SoDMA ku wareejisay lacag magdhow ah oo loogu tala-galay in lagu garab istaago dadka isbeddelka cimiladu saameyay, lacagtaan oo horey ay Dowladda u dalbatay si loogu gaaro dadka ugu liita Soomaaliya si looga bixiyo abaarta iyo gaajada lasii saadaalinayo.

Barnaamijkaan ceeymiska oo Soomaaliya muhiim u ah waxa ku jira wadamo badan oo African ah oo ay aduunyadu kaga dalbadeen in lacago magdhow laga siiyo waxyaabaha ay sida gaar ah u sameeyeen isbadalada Cimilada.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle oo sharraxayey saamaynta uu isbeddelka cimilada ku yeeshay Soomaaliya, ayaa xusay in abaaraha, fatahaadaha iyo colaadaha ka dhasha khayraad-yarida ay sababeen in 85% uu burburay tacabkii iyo wax soo saarkii beeraha, isla-markaana lacagtaan magdhow loo sii doono dadka ay saameynta ugu badan ku dhacday, si loo yareeyo khasaaraha ka dhasha isbeddelka cimilada.

Puntland 22ka Maarso 2025 Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal barqanimadii maanta ka dhacay gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, kaas oo u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan kuwa maamulka Puntland.

Dagaalka oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa si gaar ah uga dhacay kaantaroolka bari ee caasimada Garoowe, wuxuuna u dhexeeyay Booliska Puntland iyo ciidamo kale oo ku tirsan kuwa PSF oo ka yimid dhanka gobolka Bari.

Iska hor imaadka oo muddo socday sababay dhimashada illaa 2 askari, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale oo uu ku jiro taliyihii garoonka diyaaradaha Garoowe, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka uu yimid kadib markii ciidamada Booliska ay isku dayeen in ciidamada ka yimid dhanka gobolka Bari ay ka reebaan baabuur ay xukuumaddu leedahay oo ay wateen, balse ay ka biyo diideen, kadibna uu dagaalka sidaas ku bilowday, kaas oo uu khasaare kasoo gaaray labada dhinac.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay madaxda Puntland, gaar ahaan talisyada Booliska iyo PSF ee oo ku aadan dagaalka ka dhacay Garoowe.

Xaaladda ayaa hadda deggan, waxaana caadi kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa halka lagu dagaalamay, iyada oo goobta ay hadda ku sugan yihiin ciidanka Booliska Puntland.

Marar badan ayay sidaan oo kale u dagaalameen labadaan ciidan oo ka wada tirsan Puntland, waxaana la xasuustaa dagaalkii cuslaa ee horay ugu dhex-maray Boosaaso.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo haatan Puntland ay dagaal adag kula jirto Daacish, isla markaana ciidamadeeda ay isugu gaysay aagga buuraha Calmiskaad, si dhulkaas buuraleyda ah looga xoreeyo kooxda Daacish.

Puntland ayaa haatan qorshaheeda uu yahay in si deg deg ah loo soo afjaro kooxda Daacish, waxayna ku goodisay inay kusoo gabagabeyn doonto dagaalka socda ka hor Ciidda bisha Ramadaan, si dhulkaas oo dhan looga xoreeyay maleeshiyaadka Daacish

Maamulka Puntland ayaa tan iyo markii uu bilaabay howlgalka ka dhanka ah Daacish waxay ciidamadu ku wadeen dardar horleh, iyadoo muddo kooban la iskaga gudbay saddex weji, kaasi oo haatan gebogebo maraya, sida uu sheegay maamulka.

Muqdisho 22ka Maarso 2025 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Jimcihii qaaday tallaabo milatari oo ay ku wajaheyso culeyska ay Al-Shabaab soo saartay deegaanno u dhow magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa la geeyay waddada u dhexeysa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, si ay uga hortagaan xubnaha Al-Shabaab ee soo galay halkaasi.

Dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in ciidamadu bara koontarool oo cusub ay ka sameysteen waddada dhinaceeda, iyaga oo sidoo kale baaraya gaadiidka maraya.

Arrintan ayaa laga gol-leeyahay in looga hortago xubnaha Al-Shabaab ee mararka qaar yimaada deegaannadaasi, sida ay sheegeen saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya.

Dhowaan ayaa sidoo kale Ceelasha Biyaha, Lafoole iyo Xaawo Cabdi ayaa lagu arkay xubno ka tirsa kooxda Al-Shabaab, iyaga oo waddada taagan gaadiidka hubinaya.

Al-Shabaabka soo galay Ceelasha Biyaha waxa ay demiyeen layrarkii ku xirnaa jidadka waaweyn ee deegaanka, waxay dadka u sheegayeen inay si nabad ah ku joogaan deegaanka, mana jirin iska caabin ay xilligaas ciidamada dowladda kala kulmeen.

Xaaladdan soo korortay ayaa cabsi wayn ku keentay dadka deegaanka, waxaana sidoo kale ka dhashay hadal-heyn xooggan oo qabsatay baraha bulshada, iyada oo dadku ay is waydiinayaan, sida ay Al-Shabaab ugu suuragashay inay soo gaaraan halkaasi.

Horay sidaan oo kale waxa ay usoo gaareen degmada Balcad oo iyana qiyaastii 35 KM u jirta caasimada, iyaga oo saacado kooban haystay, kadibna isaga baxay.

Dhinaca kale Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa laga dareemay culeys kale oo ay kooxda soo saartay, kadib markii ay la wareegeen deegaanno horay looga saaray oo ku yaalla labadaasi, waxaase haatan soconayo howlgallo culus.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa xirtay tuutaha, wuxuuna ku sugan yahay furinta hore ee dagaalka, gaar ahaan degmada Cadale, isagoo halkaas ka hoggaaminayo howlgallo milatari ee haatan ay iska kaashanayaan dowladda iyo dadka deegaanka.

Soomaaliya ayaa hadda u baahan badbaado deg deg ah, maadaama Al-Shabaab ay wadaan weerarro is dabajoog ah oo aan horay loo arag, halka awoodda ciidamada qaranka ay sii dhimayso, halka meelaha qaarna ay ka jirto abaabul yari iyo gaabis dhanka dowladda ah.

Muqdisho 22ka Maarso 2025 Agaasimihii hore ee warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed, oo qoraal soo saaray, ayaa si guud uga hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, culeysyada ka taagan duleedka Muqdisho iyo gobollada Shabeelooyinka oo haatan ay ka socdaan howlgallo culus.

Cabdinuur ayaa marka hore bogaadiyay qorshaha madaxweynaha ee dagaalka, isaga oo xusay in madaxweynuhu habeenkii labaad ku hoyanayo furinta hore ee dagaalka si uu u dhiirrigeliyo ciidamada.

Waxaa kale oo uu si adag uga hadlay tallaabooyinka ay qaadayaan Al-Shabaab oo lasoo baxay xeelad cusub, kadib markii lagu arkay deegaanno aad ugu dhow magaalada Muqdisho. Wuxuuna tilmaamay in arrintaasi muujinayso in dhinaca dacaayadda ay hormood ka yihiin, marka loo eego tabinta warbaahinta dowladda, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweyne Xasan oo habeenkii labaad ku hoyanaya degmada Cadale oo 220km u jirta Xamar, waxay muujinaysaa inay jirto cudud ciidan oo dhul fog lagu xasilin karo. Hase yeeshee, in Shabaab ay caawa dadka ku cabsi geliyaan Ceelasha Biyaha iyo Afgooye waa astaan muujinaysa in istiraatiijiyadda warbaahineed ee Khawaarijtu ay ka tayo sarreyso midda ay dowladda miisaaniyad malaayiin ah ku bixiso. Waa hubanti in dagaal aan dacaayad iyo qorshe warbaahineed oo tayo leh lagu garab wadin uusan guuleysan karin,” ayuu yiri agaasimihii hore ee warfaafinta madaxtooyada, Cabdinuur Maxamed.

Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in xukuumadda looga baahan yahay inay dib u qiimeyso warbaahinta dowladda, si ay u qaadato doorka kaga aaddan dagaalka socda.

“Haddii aan dagaalka dacaayadda laga hormarin kan qoriga, waxaa maalin dhaw la arki doonaa dad Shabaab ka cararay oo ka qaxaya dhul nabdoon iyo xaafado u dhow caasimadda,” ayuu mar kale qoraalkiisa ku yiri Cabdinuur.

Qoraalka oo dhameystiran hoos ka akhri:

Khawaarijtu ma haystaan cudud gaashaandhig oo ay uga hortagaan dagaal fool ka fool ah Ciidamada Beelaha Macawiisleyda ee AK47 ku hubeysan, iskaba daa ciidan qaran oo tababar iyo agab ku filan haysta e.

Madaxweyne Xasan oo habeenkii labaad ku hoyanaya degmada Cadale oo 220km u jirta Xamar, waxay muujinaysaa inay jirto cudud ciidan oo dhul fog lagu xasilin karo. Hase yeeshee, in Shabaab ay caawa dadka ku cabsi geliyaan Ceelasha Biyaha iyo Afgooye waa astaan muujinaysa in istiraatiijiyadda warbaahineed ee Khawaarijtu ay ka tayo sarreyso midda ay dowladda miisaaniyad malaayiin ah ku bixiso. Waa hubanti in dagaal aan dacaayad iyo qorshe warbaahineed oo tayo leh lagu garab wadin uusan guuleysan karin!

Waxaa muuqata in sida khubarada warbaahinta dowladda ay wax noogu soo gudbiyaan uu ka macno badan yahay sida Cali Yare Cali oo qol mugdi ah dhex fadhiya uu wax noogu soo gudbiyo, mararka qaarna isagaaba noo soo alifa xoogaa aan ku nafisno oo run u yara eg, sida muuqaal duqeyn ah oo Ukraine laga fuliyay. Hadda waa “jeeb-ku-jire” oo kaligiis duul ah. Sow yaab maaha!

Haddii aan dagaalka dacaayadda laga hormarin kan qoriga, waxaa maalin dhaw la arki doonaa dad Shabaab ka cararay oo ka qaxaya dhul nabdoon iyo xaafado u dhow caasimadda.

Xukuumaddu dib ha isu qiimeyso, madaxweynuhuna saacadda Rolex-ka ah ee uu ku xarragoonayo isagoo aag dagaal jooga, gurigiisa Madaxtooyada ha uga tago, si ay ciidanku u dareemaan inuu la duruuf iyo la dareen yahay.

Cadale 22ka Maarso 2025  Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo weli ku sugan degmada Cadale, ayaa sii wada kulammo uu ku dardar-gelinayo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweyne Xasan ayaa maanta mar kale qaabilay qayb kale oo ka mid ah bulshada gobolka, sida odayaasha dhaqanka, waxgaradka, hoggaanka Macawiisleyda, iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaannada ay howlgalladu ka socdaan, isagoo kala hadlay doorkooda ku aaddan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Sidoo kale, intii uu kulanku socday, Madaxweynaha iyo madaxda uu la kulmay waxay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in ciidamada lagu garab istaago halganka socda.

Waxaa sidoo kale lagu balamay in dadaallada la sii wado, isla markaana dib loogu laabto furimaha dagaalka si loo xoojiyo gulufka ka dhanka ah argagixisada.

Xalay, Madaxweynaha wuxuu sidan oo kale u qaabilay odayaal kale, waxgarad, guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe, guddoomiyihii hore ee gobolkaas, guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ee Muqdisho, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Shalay, waxaa Madaxweynaha Cadale uga daba tegay odayaasha dhaqanka Mudullood oo uu hoggaaminayo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, waxaana Cadale ka socda abaabul dagaal oo xooggan, kaas oo la qorsheynayo in toddobaadkan natiijo laga gaaro.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Madaxweyne Xasan Sheekh, oo dagaalka hoggaaminaya, uu ku haminayo in ciidda ka hor kooxda Al-Shabaab laga saaro gobolka Shabeellaha Dhexe, oo ay culeys weyn saartay.

Degmada Aadan-Yabaal, oo hadda ah difaaca ugu dambeeya ee ciidamada dowladda, waxaa maanta gaaray gurmad culus oo ka yimid Hiiraan, kuwaas oo lagu xoojinayo dagaalka Al-Shabaab, waxaana la qorsheynayaa in toddobaadkan la dardar-geliyo howlgalka.

Dagaallada u dhexeeya dowladda iyo kooxaha argagixisada ee ka socda Soomaaliya ayaa sii xoogeysanaya maalin kasta. Al-Shabaab waxay wadaan weerarro isdaba joog ah, halka dowladda ay ka go’an tahay in muddo kooban lagu soo afjaro kooxdaas.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa maanta ku dhawaaqday go’aan culus, waxayna u guureysaa furimaha dagaalka, sida lagu sheegay shir degdeg ah oo maanta ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada.

Muqdisho 22ka Maarso 2025  Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya, Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal, oo maanta si rasmi ah xilka ugu wareejisay wasiirka cusub, ayaa ka hadashay arrin xasaasi ah oo ku saabsan amniga magaalada Muqdisho.

Fardowsa ayaa shaaca ka qaaday in sababta hoos u dhigtay qaraxyadii hore uga dhici jiray magaalada Muqdisho ay ahayd howl gaar ah oo ay qabatay wasaaraddeeda, iyadoo tilmaantay in gaadiidka lagu qasbay inay xirtaan taariko rasmi ah oo summad u gaar ah leh.

Sidoo kale, waxay hoosta ka xariiqday in baraha koontaroolada ee ciidamada la geeyay lagu qalabeeyay agab casri ah oo lagu hubiyo gaadiidka kala gudbaya magaalada Muqdisho, si loo xaqiijiyo in ay yihiin kuwo diiwaangashan oo soo maray nidaamka wasaaradda.

Waxay sidoo kale xustay in labadii sano ee la soo dhaafay ay xoogga saartay wada-shaqeynta dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, gaar ahaan mideynta sumadaha kala duwan ee gaadiidka dhex mara caasimadda iyo gobollada dalka.

“Qaraxyada waxaan ku yareynay inaan gaadiidka diiwaangelinay oo taariko ku xirnay. Muqdisho maanta waa adag tahay inuu maro gaari aan summad lahayn, halka markii hore ay jireen kuwo badan oo si xor ah u socon jiray,” ayay tiri Wasiir Fardowsa Cismaan Cigaal khudbadeedii xil wareejinta.

Hadalkan ayay ka sheegtay munaasabad maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, iyadoo xilka si rasmi ah ugu wareejisay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maxamed Faarax Nuux. Munaasabaddaas waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Saalax Jaamac.

Waxay sidoo kale xustay in labadii sano ee la soo dhaafay ay xoogga saartay wada-shaqeynta dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, gaar ahaan mideynta sumadaha kala duwan ee gaadiidka dhex mara caasimadda iyo gobollada dalka.

“Qaraxyada waxaan ku yareynay inaan gaadiidka diiwaangelinay oo taariko ku xirnay. Muqdisho maanta waa adag tahay inuu maro gaari aan summad lahayn, halka markii hore ay jireen kuwo badan oo si xor ah u socon jiray,” ayay tiri Wasiir Fardowsa Cismaan Cigaal khudbadeedii xil wareejinta.

Hadalkan ayay ka sheegtay munaasabad maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, iyadoo xilka si rasmi ah ugu wareejisay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maxamed Faarax Nuux. Munaasabaddaas waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Saalax Jaamac.

sbeddelka ku yimid amniga caasimadda waxaa lagu micneeyay qorshayaal amni oo cusub oo ay hirgelisay dowladda federaalka, taasoo ciidamo badan geysay gudaha iyo duleedka Muqdisho, si ay u laba jibbaaraan howlgallada lagu sugayo amniga degmooyinka gobolka Banaadir.

Sidoo kale, dowladda federaalka waxay xoojisay dagaalka ay kula jirto kooxda Al-Shabaab, iyadoo garab ka helaysa shacabka deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah.

WARARKA MAANTA 21ka Maarso 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta:  Yaase ka masuul ahaa in lacagtaas lagu shubo akoontooyin shaqsiyadeed Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub ee #Soomaaliya? Yaa noqon doona Xeer Ilaaliyha Guud ee cusub? Yaa noqon doona Hanti-Dhowraha cusub? Yaa diidi kara inaysan wadashaqayn dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada? H Yaa lacagtii iyo hantidii dadweynaha dhacay oo akoono dibadda ku shubtay? Maxay Xeer Ilaaliyaha Guud Iyo Hanti-Dhowrka u soo xiri karin Madaxweyne Mudane Xassan Iyo Qoysaskiisa? Yaa iscasili doona Raysal Wasaare Mudane Xamsa ama Madaxweyne Mudane Xassan? Yaase fashilay dowladda #Sppmaaliya? Maxuuse yahay musuqmaasuqa weyn ee uu Madaxweyne Mudane Xassan samaynaayey muddo dhowr sanno ah? Maxaa ka qaylisiiyey Wasiirka Warfaafinta Mudane Daa’uud Aweys oo aan ka hadlin aflagaada Wasiir ku-xigeenkiisa Al-Cadaala oo u gafay xildhibaannada golaha shacabka? Maxuuse Wasiirka Warfaafinta Daa’uud Aweys u diiday inuu ka hadlo xaq-darada lagu xiray Janaraal Sheego? Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”  u raadinayaa Raysal Wasaare cusub uu ku kaarto-baxo? Maxay 106 xildhibaan warqad dacwo ah uga qoreen Guddoomiyaha Aqalka Hoose Mudane Shiikh Aadan Madobe?  Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” u diiday inuu dhiso Maxkammadda Dastuuriga ah? Maxuuse u diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho? Maxayse beesha caalamka ugu diiday lacagtii laga xanibay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Ha Wiqleyso! 

Muqdisho 21ka Maarso 2025 Dowladda Soomaaliya ayaa ka war kasoo saartay kulan gaar ah oo uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu magaalada Muqdisho kula qaatay wafdi heer sare oo ka socday Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Dowladda Imaaratka Carabta.

Bayaanka Dowladda Soomaaliya kasoo baxay ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu kulan la qaatay Wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isutagga Imaaraatka Carabta Mudane Sheikh Shakhboot Binu Nahyaan Aala-Nahyaan oo Madaxweynaha soo gaarsiiyey dhambaal iyo farriin uu ka siday Madaxweynaha Isutagga Imaaraatka Carabta Maxamed Binu Saayid oo xoojinaya xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal.

Sidoo kale, Booqashada wafdigan ayaa daba-socota wada-hadal dhanka taleefanka ku dhex maray Labada Madaxweyne, wadahalkaas oo ay ku adkeeyeen iskaashiga iyo wadashaqeynta Labada dowladood.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Dowladda iyo shacabka Imaaraatka Carabta taageerada joogtada ah ee Soomaaliya iyo doorka ay ka qaadanayaan horumarinta iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraatka Sheikh Shakhboot Binu Nahyaan Aala-Nahyaan ayaa uga mahadceliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya soo dhaweynta diirran iyo sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, waxa uuna tilmaamay muhiimadda iskaashiga Soomaaliya iyo Imaaraatka ay u leedahay horumarka iyo xasilloonida Gobolka.

Ethioia 21ka Maarso 2025  Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa sheegay in dalkiisu uusan dooneynin dagaal la xiriira helitaanka Badda Cas, xilli ay soo baxayaan walaacyo ku saabsan suurta-galnimada isku dhac militari oo dhex mara Itoobiya iyo Eritrea.

“Itobiya ma lahan wax qorshe ah oo ay ula dagaallamayso Eritrea si ay u hesho marin badeed,” ayuu yiri Abiy Ahmed Khamiistii, sida lagu sheegay qoraal ay xafiiskiisu soo dhigay barta X (horey Twitter).

Wuxuu intaas ku daray in helitaanka marin badeed uu yahay arrin istiraatiiji ah oo muhiim u ah Itoobiya, maadaama ay tahay dal aan bad lahayn, balse dowladdiisu ay door bidayso in arrintan lagu xalliyo wada-hadal iyo nabad.

Walaaca laga qabo dagaal ayaa sii xoogeystay toddobaadyadii la soo dhaafay, kaddib markii Eritrea ay ku dhawaaqday abaabul ciidan oo qaran, sida laga soo xigtay hay’ad xuquuqda aadanaha u doodda.

Dhanka kale, ilo diblomaasiyadeed iyo saraakiil la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in Itoobiya ay ciidamo u dirtay xadka ay la wadaagto Eritrea.

Hindisaha uu Abiy ku doonayo in Itoobiya hesho marin badeed ayaa caro ka dhaliyay Eritrea, taasoo ku eedeysay Addis Ababa inay damacsan tahay la wareegidda dekedda Assab.

Eritrea oo jawaabtay

“Eritrea waxay aad ula yaaban tahay hamiga khaldan ee Itoobiya ee la xiriira raadinta marin badeed iyo saldhig ciidan – haddii ay ahaan lahayd wada-hadal ama xoog ciidan,” ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Gebremeskel, Talaadadii, isaga oo soo xiganaya hadallo uu hore u jeediyay wasiirka arrimaha dibadda ee dalkiisa.

Wuxuu ugu baaqay beesha caalamka in ay cadaadis saarto Itoobiya si ay u ixtiraamto madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee deriskeeda.

Sidoo kale, wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in Eritrea ay isku diyaarinayso dagaal ka dhan ah Itoobiya, isagoo eedeymahaas ku sifeeyay “been abuur.”

Haddii mar kale dagaal dhex maro labadan ciidan oo ka mid ah kuwa ugu awoodda badan Afrika, waxa uu burburin doonaa heshiiskii taariikhiga ahaa ee keenay in Abiy ku guuleysto billadda Nabadda ee Nobel 2019.

Sidoo kale, waxa uu horseedi karaa masiibo bini’aadannimo oo hor leh, iyadoo gobolka uu durba la daalaa dhacayo cawaaqibka dagaalka Suudaan.

Intii lagu jiray dagaalkii sokeeye ee Itoobiya ee socday intii u dhaxaysay 2020-2022, ciidamada Eritrea ayaa xadka ka tallaabay si ay u garab istaagaan dowladda dhexe ee Itoobiya oo dagaal kula jirtay Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF).

Hase yeeshee, heshiiskii nabadeed ee lagu saxiixay Pretoria, Koonfur Afrika bishii Nofeembar 2022, ayaa abuuray xiisad cusub oo ka dhex dhalatay Itoobiya iyo Eritrea, maadaama Eritrea aysan qayb ka ahayn wada-hadalladii heshiiska.

Xiisadda Tigray

Tan iyo markaas, TPLF – oo gacanta ku haysa maamulka ku-meelgaarka ah ee Tigray, iyada oo ay oggolaatay dowladda federaalka Itoobiya – ayaa u kala jabay laba garab oo mid walba uu doonayo inuu xukumo gobolka.

Maamulka Tigray ee hadda jira ayaa eedeyn u jeediyay garabka kale, iyagoo ku eedeeyay in ay la shaqeynayaan Eritrea.

Dhanka kale, garabka mucaaradka ah ayaa dhaliilay hoggaanka maamulka Tigray ee hadda jooga, iyagoo ku eedeeyay in uusan difaacin danaha shacabka Tigray. Labada dhinacba way beeniyeen eedeymaha la isweydaarsaday.

Abiy ayaa Khamiistii baarlamaanka Itoobiya u sheegay in muddada maamulka ku-meel-gaarka ah ee Tigray la kordhiyay hal sano oo dheeraad ah, iyada oo la sameeyay wax-ka-bedel aan la faahfaahin.

Wuxuu se ka gaabsaday inuu caddeeyo in wax-ka-bedelkaasi uu ku jiro in hoggaan cusub loo magacaabo maamulka, taasoo ah arrin ay si weyn u dalbanayeen garabka mucaaradka.

Somaliland 21ka Maarso 2025 Iyadoo dalalka Carabta ay diideen qorshaha Donald Trump ee Gaza ayaa hadda Maraykanka iyo Israel waxay isha ku hayaan Geeska Afrika, gaar ahaan maamulka Somaliland iyo Soomaaliya inteeda kale, oo ah goob ay u arkaan inay suurtagal tahay in lagu dajiyo dadka reer Falastiin ee Gaza.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maraykanka iyo Israel ayaa xaqiijiyey in wadahadallo qarsoodi ah lala yeeshay dowladda Soomaaliya iyo Somaliland oo ah laba dhinac oo aad isu khilaafsan. Washington ayaa doonaysa inay khilaafkan ka faa’iideysato, si ay u hirgeliso qorshaheeda cusub.

Somaliland oo muddo dheer ahayd gobol xasiloon oo ka tirsan Soomaaliya, balse mar walba dadaal ugu jirtay inay dunidu u aqoonsato dal madax-bannaan, ayaa sanadkii 2022 u soo bandhigtay Maraykanka inay siiso marin muhiim ah oo ay ciidamada Maraykanka adeegsan karaan, iyadoo beddelkeedana ku dalbatay tallaabooyin dhanka aqoonsiga madaxbannaanideeda.

Qorshaha cusub ee Trump ayaa dhigaya in 2.3 milyan oo Falastiiniyiin ah laga raro Gaza, halkaas oo uu Maraykanku maamulkiisa la wareegayo, kadibna loogu beddelo mashruuc weyn oo ganacsi oo lagu magacaabay ‘Middle East Riviera’.

Hoggaanka Israel, gaar ahaan xubnaha ka tirsan kooxaha xagjirka ah, ayaa muddo dheer ka fikiri jiray in Falastiiniyiinta xoog looga raro dhulkooda. Waxayna hadda qorshaha Trump u arkaan waddo sahlan oo lagu gaaro yoolkooda.

Xirmo lacag, diblomaasiyad iyo amni ah

Israel iyo Maraykanku waxay diyaarinayaan xirmo lacageed, diblomaasiyadeed iyo amni, si ay Somaliland iyo wadamo kale ugu qanciyaan qorshahan. Si kastaba, taageerada Falastiin ayaa sii xoogaysatay kadib dagaalka Israel ay ku qaaday Gaza, gaar ahaan wadamada leh waayo-aragnimada gumaysiga sida kuwa Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan ayaa sheegay in Somaliland aysan albaabka ka xireyn suurta-galnimada ah in ay qaabisho dadka reer Gaza, waxaa sidaas warbaahinta KAN ee Israel u sheegay 

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa qoraal uu u diray KAN ku yiri: “Waxaan diyaar u nahay wada-hadal kasta, balse ma dooneyno in aan ka hadalno arrimo aan weli laga wada hadlin. Dal kasta oo danaynaya in uu arrimo gaar ah nala gorfeeyo waa in uu marka hore la sameeyo xiriir rasmi ah oo uu xafiis diblomaasiyadeed ka furto Somaliland.”

“Arrinta ugu muhiimsan ee noo taalla waa in nala aqoonsado kaddib markaan adduunka tusno in aan nahay dal nabadda jecel, dimoqraadiyaddana ku dhaqma, islamarkaana xor ahaa muddo 33 sano ah.”

“Suurta-galnimada hirgelinta qorshahan waa mid shaki badan ku jiro,” ayuu yiri Moustafa Ahmad oo ah cilmi-baare Geeska Afrika jooga. Wuxuu sheegay in hoggaanka Somaliland laga yaabo inay u qiimeeyaan qorshahan si waaqici ah, balse taageerada shacabka u hayo Falastiin ayaa sii adkaynaysa inuu meel maro.

“Xitaa saaxiibbada ugu dhow Maraykanka, sida Masar, Jordan, iyo Sucuudiga ayaa diiday qorshayaal noocan ah,” ayuu raaciyay Moustafa.

Dhinaca kale, Imaaraadka Carabta ayaa door muhiim ah ka ciyaari kara wadaxaajoodyada, iyadoo muddo dheer taageero u fidinaysay rabitaanka Somaliland ee aqoonsi caalami ah, islamarkaana xiriir fiican la leh Israel.

Si kastaba, Imaaraadka ayaa taageeray qorshaha Masar ee dib-u-dhiska Gaza, kaas oo gabi ahaanba ka soo horjeeda qorshaha Trump ee ku saabsan rarista dadka Falastiin

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa beeniyay wararka sheegaya in wadahadallo rasmi ah socdaan, wuxuuna sheegay in dowladdiisu kaliya qiimeyn doonto haddii Maraykanku si rasmi ah usoo bandhigo qorshaha.

Dhinaca Soomaaliya inteeda kale

Dhinaca kale, Soomaaliya ayaa wajahaysa xiisad siyaasadeed oo gudaha ah. Magaalada Muqdisho ayaa wajahaysa khilaaf dastuuriga ah kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu soo jeediyay wax-ka-beddel dastuurka dalka, taas oo keentay in Puntland ay la noqoto aqoonsiga dowladda federaalka ah, iyada oo ku dhawaaqday madaxbannaani aan rasmi ahayn.

Go’aanka Puntland wuxuu sii kordhiyay kala-qaybsanaanta Soomaaliya. Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa ka faa’iideystay fursaddan waxayna kordhiyeen weerarrada dhiigga badan leh, sida weerarkii dhawaan ka dhacay hotel ku yaalla Beledweyne.

Amniga Soomaaliya ayaa sii xumaaday iyadoo Maraykanku uu hakiyay taageeradii uu siin jiray dowladda dhexe. Waxaa sii kordhaya baaqyada Madaxweyne Xasan Sheekh loogu baaqayo inuu xilka ka dego.

Iyadoo Maraykanku uu leeyahay awood siyaasadeed oo muuqata, ayaa haddana dowladda Soomaaliya waxay caddeysay mowqifkeeda ah in aysan marna oggolaan doonin qorshe ku saabsan raritaanka dadka Falastiin.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaan xaqiijin ama beenin xiriirka Maraykanka iyo Israel, balse wuxuu caddeeyay mowqifka dowladda ee ah inaysan Soomaaliya marnaba oggolaan doonin in dhulkeeda loo isticmaalo raritaanka dad kale ama lagu wiiqo madax-bannaanida Falastiin.

Muqdisho oo taageero xooggan u muujisay Falastiin ayaa taageertay go’aankii Jaamacadda Carabta ee lagu diiday qorshaha Trump. Sanadihii u dambeeyay Soomaaliya waxay xoojisay xiriirkeeda diblomaasiyadeed ee ay la leedahay dalalka Carabta iyo Turkiga.

“Kooxaha xagjirka ah ee Soomaaliya ayaa mar walba isticmaalay arrinta Falastiin si ay u xoojiyaan mowqifkooda, iyagoo ka dhigaya arrin xiriir la leh midnimada Islaamka,” ayuu yiri cilmi-baare Moustafa Ahmad.

Iyadoo qaybo badan oo Soomaaliya ka tirsan ay gacanta ugu jirto Al-Shabaab, taageerada shacabka Soomaaliyeed u hayo Falastiin-na ay aad u xoog badan tahay, dowladda Soomaaliya uma muuqato inay halis galin doonto xasilloonida yar ee ka hartay dalka.

WARARKA MAANTA 18ka Maarso 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa iscasili doona Raysal Wasaare Mudane Xamsa ama Madaxweyne Mudane Xassan? Yaase fashilay dowladda #Sppmaaliya? Maxuuse yahay musuqmaasuqa weyn ee uu Madaxweyne Mudane Xassan samaynaayey muddo dhowr sanno ah? Maxaa ka qaylisiiyey Wasiirka Warfaafinta Mudane Daa’uud Aweys oo aan ka hadlin aflagaada Wasiir ku-xigeenkiisa Al-Cadaala oo u gafay xildhibaannada golaha shacabka? Maxuuse Wasiirka Warfaafinta Daa’uud Aweys u diiday inuu ka hadlo xaq-darada lagu xiray Janaraal Sheego? Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”  u raadinayaa Raysal Wasaare cusub uu ku kaarto-baxo? Maxay 106 xildhibaan warqad dacwo ah uga qoreen Guddoomiyaha Aqalka Hoose Mudane Shiikh Aadan Madobe?  Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” u diiday inuu dhiso Maxkammadda Dastuuriga ah? Maxuuse u diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho? Maxayse beesha caalamka ugu diiday lacagtii laga xanibay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” ? Yaase ka masuul ahaa in lacagtaas lagu shubo akoontooyin shaqsiyadeed Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub ee #Soomaaliya? Yaa noqon doona Xeer Ilaaliyha Guud ee cusub? Yaa noqon doona Hanti-Dhowraha cusub? Yaa diidi kara inaysan wadashaqayn dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada? Ha Wiqleyso! 

Muqdisho 18ka Maarso 2025 Dowladda Turkiga ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ay ku xoojineyso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gudaha Soomaaliya, iyada oo hawada ka taagereyso ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Turkiga ayaa maanta magaalada Muqdisho kasoo dajiyay diyaarado dagaal oo casri ah, gaar ahaan nooca Akinci ee aan duuliyaha lahayn, sida ay muujinayaan muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada oo laga helay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Ujeedka ugu wayn ee ka dambeeya arrintan ayaa ah in sare loo sii qaado awoodda howlgallada ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah Al-Shabaab, iyada oo Turkiga uu yahay dalka koowaad ee taageerada ugu wayn siiyo ciidamada qalabka sida.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa la filayaa in diyaaradahan oo ah nooca Akınci ay ka qayb qaadan doonaan howlgallada haatan socda Shabeelooyinka iyo Hiiraan.

Diyaaradahan cusub ee Turkigu keenay Soomaaliya ayaa waxay awoodaan inay xambaaraan culeys aad u xoogan oo dhan 1,500 kg, taas oo awood u siineysa in ay geyso hubka riddada dheer iyo kuwa culus, oo ay xittaa  ku jiraan gantaalada SOM cruise missiles, Gökdoğan iyo gantaalada Bozok, iyo bambooyinka MK-82.

Soo daabulidda diyaaradahan aan duuliyaha lahayn ayaa Turkigu wuxuu uga gol-leeyahay in lagu xoojiyo howlgallada ciidamada dowladda, laguna carqaladeeyo dardar-gelinta Al-Shabaab iyo in la xakameeyo dhul ballaarsiga ay haatan waddo kooxda.

Sidoo kale tallaabadan ayaa ah mid horay loo sii qaaday, isla markaana calaamad u ah is beddelka istaraatiijiyadda ka hortagga dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, kaas oo haatan mar kale soo laba kacleeyay, kadib markii ay dib isku soo abaabushay kooxda.

Horay waxaa Soomaaliya uga howlgalayay diyaaradaha Bayraktar TB2 ee Turkiga oo ah kuwo yaryar oo qaada illaa afar xabbadood, waxaana loogu talagalay ilaalinta iyo howlgallada ka hortagga argagixisanimada.

Turkiga marka laga tego waxaa sidoo kale ciidamada dagaalamaya dhanka hawada ka taageerayo Mareykanka iyo Itoobiya oo iyagana xoojiyay howlgalkooda Soomaaliya, iyada oo ujeedada ugu wayn ay tahay in la burburiyo awooda kooxaha argagixisada.

Duqeymaha ayaa gaaray illaa degmada Jilib oo todobaadkan la duqeeyay, waxaana khasaare culus iyo burbur lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab oo iyadana kordhisay dhaq-dhaqaaqeeda, kadib markii ay soo gashay gobolka Shabeelaha Dhexe, sidoo kalena lagu arkay deegaanno u dhow caasimada, sida Ceelasha iyo waddada Balcad.

Muqdisho 18ka Maarso 2025 Faahfaahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda, gaar ahaan Booliska iyo Nabad-sugidda, waxaana ka dhashay khasaare xooggan.

Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online, u sheegay in dagaalka uu si gaar ah uga dhacay xaafada Sanca, dhanka Tookiyo ee degmada Yaaqshiid, waxaana halkaasi isku fara saaray labada ciidan.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka ku dhintay ugu yaraa illaa 3 qof oo laba kamid ah ay yihiin askar ka tirsanaa labada dhinac, halka qofka kalena uu ahaa shacab.

Ma cadda sababta ka dambeysay inay dagaalamaan ciidankan ka wada tirsan dowladda oo dagaalkooda uu sababay dhimashada saddexdaasi qof, mana jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi.

Xaaladda ayaa hadda deggan, waxaana si caadi ah kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa dadka, gaadiidka iyo ganacsiga, xaafadda Sanca ee magaalada Muqdisho.

Mararka qaar ciidamada dowladda ayaa dhexdooda ku dagaalama gudaha caasimada, waxaana khasaare kasoo gaaraa iyaga iyo dadka rayidka ee lagu kor dagaalamo.

Dhowaan ayay ahayd markii dagaal kan lamid ah oo u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda uu ka dhacay waaxda Neero ee degmada Cabdicasiis, kaas oo isna dhaliyay khasaare kala duwan, waxaana labada dhiinac ay isku qabteen guri laga dhisayay halkaasi, kaas oo la isku haystay lahaanshahiisa.

Intaas kadib booliska ayaa qaaday tallaabo deg-deg ah, wuxuuna soo qabtay rag kamid ah kuwi ka dambeeyay dagaalka oo lasoo xiray, kadibna kiiskooda  waxaa loo wareejiyay maxkamadda ciidamada qalabka sida oo haatan laga sugayo go’aanka rasmiga ah.

Si kastaba, dagaalka ka dhacay aagga Sanca ayaa kusoo aadayo, xilli haatan Muqdisho laga dareemayo culeys ay soo saareen Al-Shabaab oo kusoo dhowaaday, kadib markii lagu arkay deegaanno u dhow caasimada, gaar ahaan Ceelasha Biya, xalayna laga soo sheegay waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Balcad.

Muqdisho 18ka Maarso 2025 Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta qaaday tallaabo kale oo culus, isla markaana la xiriirta wasaaradda gaashaandhigga oo haatan lagu sameeyay isbeddal aad u ballaaran.

Xamza ayaa maanta agaasime guud oo cusub u magacaabay wasaaradda difaaca dalka, waxaana loo magacaabay Cabdinaafic Axmed Cabdullaahi, sida lagu sheegtay wareegto kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay, Cabdinaafic Axmed Cabdullaahi inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda JFS” ayuu lagu yiri.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa shalay wasiir cusub u magacaabay wasaaradda gaashaandhigga, iyada oo laga beddalay Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa loo dhiibay wasaaradda gaashaandhigga, kaas oo horay u joogay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha, halka Jaamac isna loo beddalay wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Wasiir Jaamac ayaa muddooyinkii dambe wajahayay cadaadis uga imaanayay dhanka wakiillada caalamka, gaar ahaan Mareykanka.

Sidoo kale intii uu xilka hayay, waxa uu la kulmayay dhaleeceyn xooggan, iyadoo si weyn loo naqdin jiray tallaabooyinkiisa, xilli uu dalka ku jiro dagaal ka dhan ah kooxaha argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn oggolaaday cadaadiskii Mareykanka ee ahaa in Wasiir Jaamac laga wareejiyo Wasaaradda Gaashaandhigga, taas oo in muddo ah ay diidanaayeen.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa si weyn ugu xirnaa dowladda Turkiga, oo la rumeysan yahay in muddo badan ay xilka ku haysay, hase yeeshee waxaa muuqata in dowladda federaalka ay dooratay Mareykanka, maadaama taageerada Mareykanka ee ciidanka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ay ka weyn tahay midda Turkiga.

Si kastaba, tallaabooyinkan is xig-xiga ayaa kusoo aaday, xilliga haatan dalka uu ku jiro marxalad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, taas oo soo dadajisay isbeddalka weyn ee lagu sameeyay hoggaanka sare ee wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

Muqdisho 18ka Maarso 2025 Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cumar Cali Cabdi ayaa si faahfaahsan uga hadlay howlgalada socda iyo duqeymaha ka dhanka ah  kooxda Al-shabaab.

Wasiir Cumar Cali ayaa ugu horeyn ka hadlay waxa ka jira in kooxda Al-shabaab ay culeys soo saartay, kuna soo dhawaatay magaalada Muqdisho, islamarkaana lagu arkay meelo ay ka mid yihiin degmooyinka Afgooye iyo Balcad.

“Waa borobagaan la faafiyay oo cadawga loogu daneynayo ma imaan karaan Muqdisho iyo meel u dhaw Afgooye Xalay waxaa ka dukaameysanaay Taliyaha ciidanka Booliiska iyo Saraakiil kale oo si amaan ah ku dhexmaray wadooyinka, marka barabagaanada cid kasta oo wadaba waan kula xisaabtameynaa” ayuu yiri Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya Cumar Cali Cabdi.

Wuxuu sidoo kale Wasiiru dowlaha uu beeniyay iney jiraan waxyeelo kasoo gaarta dadka shacabka ah duqeymaha saaxiibada Caalamka ay ka fuliyaan goobaha ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

“Duqeymaha waa bartrilmaameed, waxaa wada dowladaha aan saaxiibka nahay ee beesha caalamka, anagana waxaan ku hageynaa halka ay joogaan, waxayna u dhacaan sidii loogu talo galay, waxay ka dhaceen Shabeellaha dhexe, Shabeelaha hoose iyo Jubada dhexe, waana sii wadeynaa. Meel kasta oo ay joogaana bartilmaameed ayey noo yihiin, mana jirto shacab waxyeelo kasoo gaaraan duqeymaha ee waxaa jira dad doonaya in culeyska duqeymaha laga yareeyo kooxda oo barabagaando fidinaya, mana laga deyn doono duqeynta” ayuu yiri Wasiir Cumar Cali.

Wasiirka ayaa si gaar ah u xusay in duqeymaha ay ka taageeraan dowladaha Mareykanka, Turkiga, Itoobiya iyo Imaaraatka, wuxuuna tilmaamay in duqeymahii ugu dambeeyay lagu dilay horjoogayaal badan oo ka tirsan kooxda iyo maleeshiyaad.

Ugu dambeyntii Shalay ayay aheyd markii dowladda Fedaraalka ay shaacisay duqeyn habeen hore ka dhacday magaalada Jilib, taasoo dowladda ay sheegtay iney ku dishay 120 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab oo 20 ka mid ah ahayeen horjoogayaal.

Muqdisho 18ka Maarso 2025 Dagaal culus oo dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa Daacish oo ka dhacay aagga Togga Miiraale ee buuraha Calmiskaad, ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac ah.

Inta la xaqiijiyay, dagaalka waxaa ku dhintay in ka badan shan askari oo katirsan ciidamada Puntland, kuwaas oo uu ku jiro wiil uu dhalay taliyaha ciidanka difaaca Puntland, Gen. Aadan Cabdi Xaashi. Dhanka Daacish, wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ay dagaalkaas ku dhinteen in ka badan 25 dagaalame.

Diyaarado dagaal oo laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta ayaa gacan ka geystay duqeymo lagu beegsaday fariisimaha Daacish.

Dagaalkaan ayaa la rumeysan yahay inuu yahay kii ugu cuslaa ee ka dhaca Calmismaad waayahaan dambe, wuxuuna yimid kadib markii ciidamada Puntland ay qaadeen howlgal ballaaran oo ay ku doonayeen inay ku gaaraan Togga Miiraale. Aaggaas ayaa la rumeysan yahay inuu yahay goob ay isku uruursadeen dagaalyahanada Daacish, kadib markii laga awood roonaaday dagaallo hore.

Togga Miiraale ayaa sidoo kale la sheegay inuu yahay saldhig ay ku sugan yihiin horjoogayaasha Daacish oo isugu jira Soomaali iyo ajaanib, kuwaas oo ay la joogaan xaasaskooda iyo caruurtooda.

Ilo amni ayaa u sheegay HOL in Togga Miiraale uu ahaa fariisin uu ku sugnaa Cabdiraxmaan Faahiye Ciise Maxamuud, oo ah ku xigeenka horjoogaha Daacish ee Soomaaliya. Faahiye ayaa ah maskaxda ka dambeysa weerarrada ka dhanka ah ganacsatada diida lacagaha uu ururkaasi soo rogo.

Faahiye ayaa kamid ahaa horjoogayaashii ka badbaaday duqayntii Mareykanku uu bishii Febraayo ee sanadkan ka geystay buuraha Calmiskaad.

Muqdisho 18ka Maarso 2025Cabdiraxmaan Shirwac Laahoor, oo ka mid ahaa xubnaha kooxda  Daacish, ayaa xalay ku geeriyooday xabsi ku yaalla magaalada Boosaaso, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo amni.

Laahoor, oo 60 jir ahaa, ayaa 3-dii Febraayo 2025 si iskiis ah isugu soo dhiibay ciidamada amniga Puntland, kaddib markii uu ka baxay kooxda uu horey uga tirsanaa ee Daacish. Tan iyo markaas, wuxuu ku jiray xabsi, halkaas oo dhowr jeer ay hay’adaha dambi baaristu ku wareysteen.

Ilaa hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee geeridiisa, mana jiro war rasmi ah oo kasoo baxay masuuliyiinta Puntland oo ku saabsan dhacdadan.

Laahoor ayaa horey ugu xukunnaa dil toogasho ah, isagoo lagu eedeeyay inuu masuul ka ahaa dilal dad badan lagu laayay iyo qaraxyo ka dhacay magaalada Boosaaso.  

Shabakado Daacish katirsan oo horey loogu fuliyay xukun dil ah, kuwa kalena ay xabsiya ku jiraan ayaa Loohaar ku sheegay inuu horjoogaha bixin jiray amarada dilalka laga gaynsan jiray magaalada Boosaaso, inkastoo uu isagu beeniyay eedeymahaas.

Geeridiisa ayaa kusoo beegmaysa xilli ay Puntland isku diyaarinayso howlgallo ka dhan ah shakhsiyaadka lala xiriirinayo kooxda Daacish, oo ay ka mid yihiin ganacsato iyo dad kale.

Dhawaan, ilo-wareedyo amni ayaa shaaciyay in la helay dukumentiyo ay ku qoran yihiin magacyada shirkado ganacsi oo sahay u diri jiray deganada kooxda Daacish ay ku sugan yihiin.

WARARKA MAANTA 17ka Maarso 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxaa ka qaylisiiyey Wasiirka Warfaafinta Mudane Daa’uud Aweys oo aan ka hadlin aflagaada Wasiir ku-xigeenkiisa Al-Cadaala oo u gafay xildhibaannada golaha shacabka? Maxuuse Wasiirka Warfaafinta Daa’uud Aweys u diiday inuu ka hadlo xaq-darada lagu xiray Janaraal Sheego? Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”  u raadinayaa Raysal Wasaare cusub uu ku kaarto-baxo? Maxay 106 xildhibaan warqad dacwo ah uga qoreen Guddoomiyaha Aqalka Hoose Mudane Shiikh Aadan Madobe?  Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” u diiday inuu dhiso Maxkammadda Dastuuriga ah? Maxuuse u diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho? Maxayse beesha caalamka ugu diiday lacagtii laga xanibay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” ? Yaase ka masuul ahaa in lacagtaas lagu shubo akoontooyin shaqsiyadeed Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub ee #Soomaaliya? Yaa noqon doona Xeer Ilaaliyha Guud ee cusub? Yaa noqon doona Hanti-Dhowraha cusub? Yaa diidi kara inaysan wadashaqayn dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada? Ha Wiqleyso! 

Muqdisho 17ka Maarso 2025 Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa goordhow soo saaray wareegto uu isku shaandheyn iyo xilka qaadis ugu sameeyay qaar kamid ah golihiisa wasiirada.

Saddex wasiir ayaa la isku beddelay, iyada oo loo kala wareejiyay wasaaradaha ay kala joogeen, halka labo wasiir oo kalena xilka laga qaaday.

Sidoo kale waxaa Golaha lagu soo daray wasiir ku xigeenno cusub oo qaarkood xildhibaanno ah, iyada oo kuwii horay u hayay xilalkaas la eryay.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa goordhow soo saaray wareegto uu isku shaandheyn iyo xilka qaadis ugu sameeyay qaar kamid ah golihiisa wasiirada.

Saddex wasiir ayaa la isku beddelay, iyada oo loo kala wareejiyay wasaaradaha ay kala joogeen, halka labo wasiir oo kalena xilka laga qaaday.

Sidoo kale waxaa Golaha lagu soo daray wasiir ku xigeenno cusub oo qaarkood xildhibaanno ah, iyada oo kuwii horay u hayay xilalkaas la eryay.

  1. Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi – 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗚𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮𝗮𝗻𝗱𝗵𝗶𝗴𝗴𝗮
  2. Cabdiqaadir Maxamed Nuur – 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗗𝗲𝗸𝗲𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗚𝗮𝗮𝗱𝗶𝗶𝗱𝗸𝗮 𝗕𝗮𝗱𝗱𝗮
  3. Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) – 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗚𝗮𝗻𝗮𝗰𝘀𝗶𝗴𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗪𝗮𝗿𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮
  4. Maxamed Faarax Nuux – 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗚𝗮𝗮𝗱𝗶𝗶𝗱𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗗𝘂𝘂𝗹𝗶𝘀𝘁𝗮 𝗛𝗮𝘄𝗮𝗱𝗮
  5. Maxamed Cabdiqaadir Cali – 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗹𝗹𝗶𝗻𝘆𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗖𝗶𝘆𝗮𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮
  6. Maxamuud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada
  7. Sahuur Xaaji Culusow Xasan – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha
  8. Sulub Axmed Firin – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha
  9. Maxamuud Cabdullaahi Axmed (Abukaate) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha
  10. Aamina Xuseen Cali – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada
  11. Xuseen Cali Xaaji – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada
  12. Fartuun Cabdiqaadir Faarax – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda
  13. Maxamed Aadan Maxamed (Baydhabo Janaay) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha
  14. Maxamed Xuseen Abuukar (Gaaraxo) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta
  15. Dahabo Suusow Muunye – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha
  16. Cismaan Axmed Macow – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka

Muqdisho 17ka Maarso 2025 War kooban oo goor dhow lagu daabacay Boga Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka ka qaaday Lataliyaha Madaxweynaha ee Xiriirka Dowlad-goboleedyada, Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone).

Warkaan sidoo kale waxaa lagu yiri “Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu mar walba ka rajeynayaa masuuliyiinta uu u magacaabo xilalka sare ee Qaranka inay gacan ka geystaan horumarka iyo midnimada dalka, iyagoo waajibaadkooda u gudanaya si hufan, daacadnimo leh, isla markaana u hoggaansamaya mas’uuliyadda ka dhalata xilalka ay hayaan”.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone) muddadii uu u soo shaqeeyay Qaranka, wuxuuna u rajeeyay mustaqbal wanaagsan Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone).

Dhowaan ayuu wareysi uu bixiyay Lataliyaha madaxweynaha dowlada fedaraalka Soomaaliya ee dhanka xiriirka dowlad goboleedyada Maxamed Xasan Ibraahin Qoone ee maanta xilka laga qaaday ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay waxyaabaha ka socda gobolka Gedo oo uu sheegay iney ka gaabisay Xukuumadda hada jirta.

“Waa wax aad looga xumaado mana habooneyn in ay xukuumadda ka gaabiso arimaha kaso cusbonaaday gobalka Gedo Waxaan ku baaqayaa in guddi loo saaro Waxa ka jira gobalka Gedo si dadka ku dhaqan Halkaa u helaan adeegyada bulshada. Ugu dambeyn Soomaaliya waxaa soo maray xukuumado kala duwan ilaa xukuumadii 1956 waxeyna ahaayeen xukuumado tayo leh, Balse hada xukuumada dalka joogto waa kuwa aan dalka iyo dadka u adeygeyn una adeega danahooda gaarka ah” ayuu yiri Qoone.

Muqdisho 17ka Maarso 2025 War uu soo saaray Taliska Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa lagu sheegay in gacanta lagu soo dhigay askari kamid ah kuwa ilaalada wadooyinka ee Taraafikada loo yaqaan kaa oo dil bareer ah ugu geeystay isgooyska afarta Jardiin ee magaalada Muqdisho wade Mooto Bajaaj ah.

Dilkaasi oo shalay dhacay waxa ay keentay inay ka dhalato rabshado ay sameeyeen dhalinyaro degaanka iyo kuwa mooto bajaajyada kaxeeya kuwaasi oo xitaa gubay gaari Boolis ah iyagoo si aad ah uga carooday dilka wiilkaasi Bajaajlaha loogeeystay. Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Xasan Adam ayaa sheegay in ruuxii dilka geeystay lasoo xiray lana marsiin doono cadaalada, waxa uu xusay inaan la aqbali karin in muwaadinka lagu xadgudbo.

”Eedeysanihii Dilka Geystey ee Ka tirsanaa Taraafikada gacanta ayaa lagu soo dhigey wuxuuna ku xeran yahay Hoggaanka Baarista Dembiyada (C I D ) mala aqbali dooni in La Burburiyo Hanti Dadweyne Dembiga waxaa masuuliyadiisa leh Shaqsiga geystey” ayuu yiri afhayeenka Booliska Soomaaliyeed.

Dad goob joogayaal ayaa sheegay in askariga iyo wadahii Bajaajta ay murmeen kadibna uu askariga lasoo baxay Bastoolad sidaasna nolosha ku dhaafiyay wadihii Mooto Bajaajta.

Dhacdada noocani oo kale ah maahan mid ku cusub dhagaha Shacabka Muqdisho oo dhowr jeer waxaa dhacay dhacdooyin noocaani lamid ah oo askari iyo mooto bajaajle wada murmay ay ku dambeeyso in la dilo wadaha Mootada.

Mataykanka 17ka Maarso 2025  Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaga oo yeeshay wada-hadalladii ugu horeeyey ee tan iyo markii Trump uu ku soo laabtay Aqalka Cad.

Waxay ka wada-hadleen arrimo ay ka mid yihiin; dadaallada lagu joojinayo dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine, xasilloonida Suuriya, iyo horumarinta iskaashiga difaaca ee labada dal, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska Erdogan Axaddii.

Erdogan ayaa u sheegay Trump in Turkigu taageersan yahay “dadaallada go’aanka leh iyo tooska ah” ee Mareykanku ku doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Ruushka iyo Ukraine.

Wuxuu ballanqaaday in Turkigu sii wadi doono dadaallada loogu jiro nabad waarta oo cadaalad ku saleysan.

Dhanka Suuriya, Erdogan wuxuu carrabka ku adkeeyay “muhimadda ay leedahay in si wadajir ah looga shaqeeyo qaadista cunaqabateynta Suuriya si xasillooni loogu soo celiyo, maamulka cusub u shaqeeyo, iyo in la taageero dadaallada dib u hagaajinta.”

Bayaanku wuxuu xusay in tallaabadani ay muhiim u tahay in muwaadiniinta Suuriya ay dib ugu laabtaan dalkooda.

Khilaafka Turkiga iyo Mareykanka

Erdogan wuxuu sidoo kale xoojiyay baahida Turkiga ee ah in Mareykanku qaado tallaabooyin lagula dagaallamayo argagixisada, si waafaqsan danaha amni ee Ankara.

Mareykanka wuxuu si dhow ula shaqeeyaa xoogagga Kurdish-ka ee Suuriya, kuwaasoo door muhiim ah ka qaatay dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish.

Si kastaba ha ahaatee, Turkiga wuxuu YPG—oo ah garabka militari ee Kurdish-ka Suuriya—u arkaa laan ka tirsan PKK, oo Ankara ay u aqoonsan tahay urur argagixiso ah.

Erdogan ayaa si adag u dhaliilay taageerada Mareykanka ee YPG, isaga oo ku tilmaamay “khiyaano” ka dhan ah xulafanimada NATO.

Dhanka iskaashiga milateri, Erdogan wuxuu kala hadlay Trump in la joojiyo xayiraadaha Mareykanka ee CAATSA, iyo in si degdeg ah loo dhameystiro heshiiska Turkiga ee iibsiga diyaaradaha F-16 iyo dib ugu soo noqoshada barnaamijka F-35, si loo xoojiyo iskaashiga difaaca ee labada dal.

Mareykanka ayaa Turkiga kusoo rogay cunaqabateyn kadib markii Ankara ay 2019 iibsatay nidaamka difaaca gantaallada S-400 ee Ruushka, taasoo keentay in laga saaro mashruuca F-35.

Erdogan ayaa mar kale ku celiyay muhiimadda ay leedahay in xayiraadahaas la qaado, si loo hagaajiyo iskaashiga difaaca ee labada dal.

Muqdisho 17ka Maarso 2025 Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa dib ugu celiyay dowladda Kenya laba qori oo laga qaatay askari Kenyan ah oo lagu dilay weerar lagu qaaday bar kontorool oo ku taalla xadka Kenya iyo Soomaaliya, gaar ahaan Mandera.

Labada hub—qori G3 iyo AK47—ayaa lagu wareejiyay saraakiisha ammaanka Mandera subaxnimadii Sabtida.

Si kastaba ha ahaatee, booliska Kenya waxay sheegeen in la waayay qeybo ka mid ah rasaasta la socotay. Inkasta oo labada qori markii hore ay wateen 90 xabbo oo rasaas ah, kaliya 10 xabbo ayaa la soo celiyay.

Dib u celinta hubkan ayaa timid saacado un kadib markii koox hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin hay’ada sirdoonka Soomaaliya ee NISA ay weerar ku qaadeen ciidanka Kenya ee ku sugan Border Point 4 ee Mandera.

Sida lagu sheegay warbixin booliska Kenya soo saareen, ilaa 20 nin oo hubeysan ayaa Jimcihii, Maarso 14, si lama filaan ah u weeraray shan askari oo ka tirsan guutada Booliska Xadka.

Intii uu weerarka socday, waxaa isla goobta lagu dilay askari Dennis Omari, halka mid kale uu dhaawac ka soo gaaray gacanta bidix. Askariga dhaawacmay ayaa marka hore lagu dabiibay Isbitaalka Mandera Referral, ka dibna loo qaaday Nairobi si loogu sii daaweeyo.

Saraakiisha ammaanka ayaa rumeysan in weerarka uu salka ku hayo aargoosi. Sida ay muujinayaan baaritaanno hordhac ah, dhacdadani waxay la xiriiri kartaa xarig dhawaan loo geystay eedeysaneyaal lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen isku day afduub oo lala damacsanaa shaqaale Shiinees ah oo ka howlgalayay Mandera.

Booliska ayaa aaminsan in weerarka uu suuragal tahay inuu abaabulay qof la sheegay inuu yahay sarkaal ka tirsan hay’adaha ammaanka Soomaaliya, islamarkaana uu qaraabo la yahay mid kamid ah eedeysaneyaasha la xiray.

Saraakiil sare oo boolis ah ayaa booqday goobtii weerarku ka dhacay iyaga oo baaritaanno dheeraad ah ka sameynaya. Dowladda Kenya ayaa dalbatay in dib loo celiyo hubkii laga qaatay askarta la weeraray iyo in gacanta lagu soo dhigo kuwii ka dambeeyay weerarka.

Saacado yar kaddib dalabkaas, dowladda Soomaaliya ayaa la xiriirtay dhigeeda Kenya, iyada oo ku wargelisay in ay dib u soo heshay labadii qori, islamarkaana diyaar u tahay inay dib u celiso.

Si kastaba ha ahaatee, raggiiii weerarka fuliyay weli lama hayo. Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa la sheegay inay bilaabeen hawlgal lagu baadi-goobayo eedeysaneyaasha weerarka ka dambeeyay.

Soomaaliya 17ka Maarso 2025 Kooxda Ansar Allah ee Yemen, oo sidoo kale loo yaqaan Xuuthiyiinta, ayaa si weyn u ballaarisay iskaashiga ay la leedahay kooxaha xagjirka ah ee Soomaaliya, sida Al-Shabaab iyo Daacish-Soomaaliya (ISS).

Inkasta oo kooxahan ay kala leeyihiin aragtiyo mabda’iyan aad u kala duwan—Ansar Allah oo ah Shiico, Al-Shabaab oo la xiriirsan Al-Qaacida, iyo ISS oo hoostagta Daacish—haddana waxa ay ka mideysan yihiin cadaawadda ay u qabaan Maraykanka iyo Israa’iil, iyo danaha istiraatiijiga ah ee la xiriira helitaanka hub iyo maalgelinta dhaqaale.

Iskaashigooda waxa uu si weyn u saameynayaa amniga badda ee gobolka, gaar ahaan marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Gacanka Cadmeed iyo Bab al-Mandab.

Xuddunta iskaashiga iyo tahriibka hubka

Soomaaliya, oo leh xeebta ugu dheer qaaradda Afrika, ayaa si istiraatiiji ah muhiim ugu noqotay Ansar Allah, iyada oo u sahleysa tahriibinta hubka iyo howlaha badda.

Xiriirka taariikhiga ah ee Yemen iyo Soomaaliya ayaa horay u xoojiyay socdaalka, is-dhaafsiga dhaqan-dhaqaale, iyo ganacsiga labada dhinac. Sannadkii 2023 oo kaliya, in ka badan 97,000 qof ayaa ka tallaabay Soomaaliya una gudbay Yemen iyada oo loo marayo shabakadaha tahriibka.

Ganacsiga hubka ayaa door muhiim ah ka ciyaara xiriirka kooxahan. Inkasta oo Qaramada Midoobay ay cunaqabateyn hub saartay Yemen, haddana Iran waxay si qarsoodi ah hub ugu gudbisaa Ansar Allah.

Intii u dhaxaysay 2015 ilaa 2023, maraakiibta isbahaysiga caalamiga ah ayaa gacanta ku dhigtay 16 doonyood oo hub u siday Yemen, kuwaasoo ka koobnaa kumanaan qoryo ah, gantaallo lidka taangiyada ah, iyo malaayiin xabbo oo rasaas ah.

Qaar ka mid ah hubkaasi ayaa laga helay Soomaaliya, taasoo muujinaysa xiriirka tahriibka hubka ee kooxahan.

Iran waxay muddo dheer u aragtay Geeska Afrika mid istiraatiiji ah, waxaana ay tan iyo siddeetameeyadii xoojisay joogitaankeeda gobolka iyada oo adeegsaneysa Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC).

Tehran waxay horey u taageertay madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Al-Bashiir, waxay gacan siisay Midowgii Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliya sanadkii 2006, waxayna raadisay in ay saldhig militari ka yeelato Eritrea.

Isku dayadan waxa ay Iran uga gol lahayd in ay xoojiso saameynteeda, jebiso go’doonka caalamiga ah, iyo in ay horumariso shabakado tahriibin oo ay ku taageerto kooxo ay xulafaysatay sida Ansar Allah.

Iskaashiga sii xoogeysanaya

Iskaashiga u dhexeeya Ansar Allah iyo kooxaha xagjirka ah ee Soomaaliya ayaa si weyn u kordhay tan iyo 2016, gaar ahaan xilliyadii uu xoogeysaday dagaalkii Gaza ee 2023.

Hoggaamiyaha Ansar Allah, Abdul-Malik al-Houthi, ayaa si cad u taageeray weerarada lagu carqaladeynayo maraakiibta, isaga oo ku sababeeyay in ay qeyb ka tahay taageerada Gaza iyo iska caabinta saameynta Reer Galbeedka ee Afrika.

Bishii Janaayo 2024, Maraykanka wuxuu shaaciyay in iskaashiga u dhexeeya Ansar Allah iyo Al-Shabaab uu sii xoogeystay.

Warbixinada sirdoonka ayaa muujinaya in labada dhinac ay heshiis ku gaareen in Ansar Allah ay Al-Shabaab siiso hub iyo tababar, halka Al-Shabaab ay kordhiso weerarada burcad-badeednimo iyo afduubka maraakiibta maraya biyaha Soomaaliya

Xiriirka u dhexeeya Al-Shabaab iyo burcad-badeedda Soomaalida ayaa muddo dheer jiray, taasoo ka dhigan in iskaashigan cusub uu labada dhinac u keenayo faa’iido istiraatiiji ah.

Iran iyo Al-Shabaab waxay xiriir lahaayeen sanado badan, waxaana la rumeysan yahay in Iran ay u ogolaatay Al-Shabaab in ay cunaqabateynta Qaramada Midoobay uga baxsato iyada oo dhuxul ka dhoofinaysa dekedaha Iran.

Waxaa sidoo kale la tuhunsan yahay in Tehran ay siiso Al-Shabaab taageero dhaqaale iyo hub si ay u beegsato danaha Maraykanka ee Bariga Afrika.

Xiriidhka u dhexeeya Ansar Allah iyo Daacish-Soomaaliya (ISS) ayaa xoogeystay sanadkii 2021, markii ay bilaabeen tahriibinta hub yar yar.

Intii u dhexeysay Noofembar 2023 iyo Maajo 2024, xubno ka tirsan Ansar Allah ayaa la sheegay in ay booqdeen waqooyi-bari Soomaaliya, halkaasoo ay ka wada shaqeeyeen sirdoonka iyo dabagalka maraakiibta.

Ansar Allah waxay ISS ugu beddeshay xogahaasi diyaarado aan duuliye lahayn oo is-qarxin kara iyo tababarro dhanka farsamada ah.

Bishii Agoosto 2024, ciidamada ammaanka Puntland waxay gacanta ku dhigeen shan diyaaradood oo ay Ansar Allah siisay ISS, iyaga oo xabsiga dhigay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab iyo ISS.

Bilowgii 2025, ISS waxay diyaaradahan is-miidaamin ah la beegsatay ciidamada Puntland, taasoo muujineysa khatarta sii kordheysa ee iskaashiga kooxahan.

Inkasta oo ay jiraan kala duwanaansho diineed, Ansar Allah waxay si xeel-dheer ah ula shaqeysay kooxaha xagjirka ah ee Sunniga ah, sida Al-Qaacida ee Jasiiradda Carabta (AQAP), taasoo u fududeysay hub-is-weydaarsiga, is-dhaafsiga maxaabiista, iyo taageerada farsamo.

Saamaynta goboleed iyo amni

Isbahaysiga u dhaxeeya Ansar Allah, Al-Shabaab, iyo ISS wuxuu si weyn u sii xumeeyay xasilloonida gobolka iyo ammaanka badaha caalamiga ah.

Iskaashigooda wuxuu caqabad ku noqday dadaallada caalamiga ah ee lagu joojinayo tahriibka hubka, maadaama marinnada sirdoon ee la adeegsado ay is-bedbedeleen.

Hubka la tahriibiyo wuxuu inta badan ka yimaadaa Iran, isaga oo mara biyaha Kenya iyo Tanzania, ka hor inta aan lagu wareejin doonyo yar yar oo ka ambabaxaya Soomaaliya una gudbaya xeebaha Yemen.

Kooxahan waxay is-dhaafsadaan qalab casri ah, sida diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran iyo gantaallada, taasoo sii xoojisay awoodooda militari.

Ansar Allah waxay si gaar ah uga faa’iideysataa xeebaha Soomaaliya, taasoo u suuragelisa in ay si joogto ah u hesho qalab ay ka helayso Iran iyo Shiinaha si ay u horumariso barnaamijkeeda gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Dekedaha muhiimka ah ee tahriibka hubka waxaa ka mid ah Boosaaso ee Puntland iyo Berbera ee Somaliland.

Hoggaamiyaha Ansar Allah, Abdul-Malik al-Houthi, ayaa dhawaan shaaca ka qaaday qorsho lagu ballaarinayo hawlgallada badda, isaga oo xusay in bartilmaameedyada mustaqbalka ay gaari doonaan Badweynta Hindiya.

Intii lagu jiray dagaalkii Gaza, Ansar Allah waxay xoojisay weerarada ka dhanka ah maraakiibta, iyada oo iskaashi la sameysay burcad-badeedda Soomaalida iyo kooxaha xagjirka ah, taasoo sii kordhisay saameynta Iran ee marinnada ganacsiga caalamiga ah.

Istiraatiijiyaddan waxay Iran u suurtagelisay in ay xoojiso saameynteeda Geeska Afrika, taasoo sii kordhisay loollanka kala dhexeeya Maraykanka, dowladaha Khaliijka, iyo Israa’iil.

WARARKA MAANTA 16ka Maarso 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”  u raadinayaa Raysal Wasaare cusub uu ku kaarto-baxo? Maxay 106 xildhibaan warqad dacwo ah uga qoreen Guddoomiyaha Aqalka Hoose Mudane Shiikh Aadan Madobe?  Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” u diiday inuu dhiso Maxkammadda Dastuuriga ah? Maxuuse u diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho? Maxayse beesha caalamka ugu diiday lacagtii laga xanibay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” ? Yaase ka masuul ahaa in lacagtaas lagu shubo akoontooyin shaqsiyadeed Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub ee #Soomaaliya? Yaa noqon doona Xeer Ilaaliyha Guud ee cusub? Yaa noqon doona Hanti-Dhowraha cusub? Yaa diidi kara inaysan wadashaqayn dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada? Ha Wiqleyso! 

Kenya 16ka Maarso 2025 Keenya ayaa sheegtay in sarkaal ka tirsan booliska Kenya lagu dilay magaalada Mandera Jimcihii, halka mid kale uu ku dhaawacmay, kadib markii koox la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Soomaaliya (NISA) ay weerar ku qaadeen ciidamada ammaanka.

Shan sarkaal oo ka tirsan booliska Kenya ayaa ku sugnaa xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya ee Mandera, markii ay la kulmeen koox ka tirsan NISA oo tiradoodu lagu qiyaasay 20, kuwaas oo rasaas ku furay.

Constable Dennis Omari ayaa lagu dilay weerarka, halka Wright Mokua uu ku dhaawacmay rasaasta. Intii ay dhacdadu socotay, laba qori ayaa lagala baxay ciidamada Kenya, kuwaasoo gacanta u galay kooxda NISA.

Hubka la qaatay waxaa kamid ah qori nooca G3 ah (lambarka A00708) oo ay la socdeen 60 xabbo oo rasaas ah, kaasoo uu lahaa sarkaalkii la dilay, iyo qori AK-47 ah (lambarka 5501352) oo ay la socdeen 30 xabbo oo rasaas ah, kaasoo uu lahaa sarkaal ka tirsan kaydka booliska qaranka.

Weerar aargudasho ah

Sida ay sheegeen booliska Mandera, weerarkan wuxuu la xiriiray aargoosi ka dhashay xarigga labo qof oo lagu eedeeyay isku-day afduub oo la doonayay in lagula kaxeysto shaqaale Shiinees ah oo ka shaqeynayay mashruuca bulaacadaha ee magaalada Mandera.

Walaalka mid ka mid ah eedeysanayaasha ayaa ku jira gacanta booliska, waxaana saraakiisha Kenya ay rumeysan yihiin inuu fududeeyay weerarka lagu qaaday ciidamada booliska.

Taliyaha Baarista Dembiyada ee Mandera, Pius Gitari, ayaa dhacdada ku tilmaamay mid xadgudub ah oo lagu sameeyay Kenya.

“Ciidamada ammaanka ee Soomaaliya waxay weerar ku qaadeen askarteenna xadka, waxay dileen mid ka mid ah oo ay la baxeen labo qori,” ayuu yiri Gitari oo la hadlayay warbaahinta.

Gitari wuxuu intaa ku daray in ujeeddada weerarka ay ahayd in la afduubto saraakiisha booliska si loogu cadaadiyo dowladda Kenya inay sii deyso eedeysanayaasha la xiray.

“Kooxdu waxay rabtay inay askarteenna afduubato, balse markii ay la kulmeen ciidan hubeysan, rasaas ayaa la is-weydaarsaday,” ayuu yiri.

Cadaadis la saaray booliska Kenya

Xubnaha NISA ayaa dhowr jeer booqday saldhigga booliska Mandera, iyagoo si aan shuruud lahayn u dalbanayay in la sii daayo labada eedeysane.

“Waxaan ogayn booqashooyinkooda joogtada ah iyo cadaadiska ay saarayeen sii deynta raggan. Sidaas darteed, waxaan go’aansanay in eedeysanayaasha loo wareejiyo Nairobi. Kooxda NISA waxay rabtay inay askarteenna afduubtaan si ay u khasbaan wadaxaajood lagu sii deynayo eedeysanayaashan,” ayuu yiri Gitari.

Isla markii uu weerarku dhacay, ciidamada ammaanka ee Mandera waxay la xiriireen maamulka magaalada Buulo Xaawo ee Soomaaliya.

“Waxaan weydiisanay maamulka Buulo Xaawo in ay nala soo celiyaan hubkeenna oo ay soo qabtaan kuwii weerarka fuliyay,” ayuu yiri Gitari.

Fiidnimadii Jimcaha, qorigii G3 ayaa lasoo celiyay, balse baaritaanka lagu raadinaayo qorigii AK-47-ka wali wuu socdaa.

“Waxaa nagu adag inaan si rasmi ah ula xiriirno dowladda Soomaaliya ee Buulo Xaawo, maadaama ay jiraan laba maamul oo iska soo horjeeda. Waxaa jira ciidamo ka tirsan Jubaland oo leh guddoomiye degmada, iyo sidoo kale ciidamada qaranka Soomaaliya (SNA) oo iyagana leh guddoomiye u gaar ah,” ayuu yiri Gitari.

Xariga eedeysanayaasha lala xiriiriyay weerarka

Booliska ayaa sheegay in mid ka mid ah walaalaha eedeysanayaasha uu fududeeyay weerarka.

“Walaalka mid ka mid ah eedeysanayaasha ayaa hogaaminayay weerarka. Waxaan cadaadis saaraynaa mas’uuliyiinta Soomaaliya inay soo qabtaan dadkii ku lug lahaa falkan oo ay Kenya ku wareejiyaan,” ayuu yiri Gitari.

Bishii Febraayo 18, ciidamada la dagaallanka argagixisada ee Mandera ayaa xiray Isaack Abdi Mohamed, oo loo yaqaano Kharan Abdi Hassan, iyo Noor Yakub Ali, kadib markii lala xiriiriyay qorshe lagu afduuban rabay ajaaniib ka shaqeyneysay mashruuc dowladeed oo ka socda Mandera East.

Booliska waxay sheegeen in Mohamed uu ka soo gudbay xadka Soomaaliya, isagoo si sharci darro ah ku helay aqoonsi Kenyan ah, taasoo u fududeysay inuu si xor ah ugu safro gudaha Kenya.

Sida ay ilo-wareedyada amniga ee Mandera sheegeen, Mohamed wuxuu ka yimid deegaanka El-Ade ee Soomaaliya.

Kahor intaan la xirin, Mohamed wuxuu horumar ballaaran ka sameeyay qorshihiisa afduubka shaqaalaha Shiineeska, xitaa wuxuu qof maxalli ah siiyay 100,000 oo shilinka Kenya ah si uu uga caawiyo fulinta howlgalka.

Waxaa kale oo boolisku xireen guddoomiye ku xigeenka xaafadda Bula Power ee Mandera, Yussuf Maalim Isaack, kadib markii lagu eedeeyay inuu fududeeyay bixinta aqoonsiyada Kenyaanka ee si sharci darro ah loo sameeyay. Isaack ayaa la xiray bishii Febraayo 20, 2025.

Dhacdadan Jimcaha ah waxay kusoo beegantay iyadoo ay jireen warar sheegaya in weeraro argagixiso lagu bartilmaameedsanayo makhaayadaha cuntada ee Mandera.

“Isbuucii hore waxaa nalagu amray inaan xirno makhaayadaha ay maamulaan dadka aan deegaanka u dhalan, iyada oo lagu eedeeyay inay cuntada iibinayaan xilli Muslimiintu sooman yihiin,” ayuu yiri qof leh makhaayad ku taal Mandera, kaasoo codsaday in aan la magacaabin.

“Waa wax laga naxo in diinta loo adeegsado cadaadis lagu saarayo dadka ganacsiga leh,” ayay tiri haweeney ka mid ah ganacsatada Mandera.

“Warkan wuxuu naga soo gaaray saraakiisheena amniga, waxaana naga yaabisay in dadkii la rabay inay na ilaaliyaan ay hadda xannibayaan ganacsigeenna,” ayay raacisay.

Mariaykanka 16ka Maarso 2025 Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ku bixineysa sidii loo laali lahaa xukunno dil ah oo lagu riday ku dhawaad 40 muwaadin Soomaaliyeed oo xiran dalka Sacuudi Carabiya.

Tallaabadan waxay qayb ka tahay qorshaha ballaaran ee xukuumadda si loo hubiyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dibadda ku nool ay helaan difaac sharciyeed.

Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka Soomaaliya, Xasan Macallin, ayaa Jimcihii shaaciyey inuu arrintan kala hadlay safiirka Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya.

Wadahadalkoodu wuxuu ku saabsanaa sidii loo xaqiijin lahaa cadaaladda maxaabiista Soomaaliyeed iyo xoojinta iskaashiga garsoorka ee labada dal.

“Waxaan kala hadlay safiirka Sacuudiga sidii loo joojin lahaa fulinta xukunka dilka dhalinyarada Soomaaliyeed, wuxuuna naga aqbalay codsigeenna. Sidoo kale, waxaan ka wadahadalnay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada caddaaladda iyo garsoorka,” ayuu yiri Wasiir Xasan Macallin.

Iyada oo qayb ka ah dadaalkan diblomaasiyadeed, wasiirku wuxuu soo jeediyey heshiis ku saabsan is-weydaarsiga maxaabiista, kaasoo suurta gelinaya in maxaabiista Soomaaliyeed ee xukunnada ku qaadanaya Sacuudiga dib loogu soo celiyo Soomaaliya si ay xabsiyadooda ugu dhammaystaan dalkooda.

Soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed

“Waxaan ku dadaalaynaa sidii loo soo celin lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee xabsiyada Sacuudiga ku jira si ay xukunnadooda ugu dhammaystaan Soomaaliya. Waxaan u gudbinay heshiis rasmi ah oo arrintan la xiriira, waxaana sugaynaa jawaabta Wasaaradda Caddaaladda Sacuudiga si loo dhammeystiro,” ayuu yiri wasiirka.

Dadaalka dowladda ee ku aaddan faragelinta sharciyeed wuxuu daba socdaa fulintii xukun dil ah oo lagu riday muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Maxamed Nuur Xuseen bishii Febraayo 2025.

Maxamed ayaa lagu xukumay dil, laguna fuliyey gowrac, kaddib markii lagu helay dembi la xiriira ka ganacsiga daroogada, sida uu dhigayo xeerka ciqaabta adag ee Sacuudiga.

Qoyska Maxamed ayaa si adag u dhaliilay hannaanka maxkamadayntiisa, iyaga oo ku doodaya in aan la siin xuquuqdiisa sharciyeed, in difaac sharci oo ku filan uusan helin, islamarkaana aan loo oggolaan in uu rafcaan ka qaato xukunka.

Kaddib dilkii Maxamed, qoysaska maxaabiista kale ee wajahayay xukunnada dilka ayaa dibadbaxyo ka dhigay magaalada Muqdisho, iyaga oo dowladda ka dalbaday inay si degdeg ah u farageliso oo ay ka hortagto fulinta xukunno kale oo dil ah.

Sacuudi Carabiya ayaa ka mid ah dalalka ugu badan ee fuliyo xukunka dilka, iyada oo ciqaabtaasi lagu rido danbiyada ay ka mid yihiin ka ganacsiga daroogada, dilalka, iyo falalka argagixisanimo.

Nidaamka garsoorka Boqortooyada Sacuudiga wuxuu ku salaysan yahay shareecada Islaamka, taasoo oggol ciqaabo adag, oo ay ka mid yihiin gowraca.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa si isdaba joog ah u dhaleeceeya daah-furnaanta la’aanta maxkamadaha Sacuudiga, gaar ahaan kiisaska la xiriira ajaaniibta, kuwaas oo marar badan aan helin qareen difaaca xuquuqdooda si waafaqsan sharciga caalamiga ah.

Puntland State 16ka Maarso 2025–Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo uu xilligan khilaaf culus kala dhexeeyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo kale oo yaab leh, ugana sii dareyso xiisadda u dhexeysa labada dhinac.

Puntland ayaa si cad u diiday qorshaha ay waddo dowladda dhexe ee ku aadan qaadashada kaarka hay’adda NIRA oo haatan laga bixinayo magaalada Muqdisho, lana geeyay qaar kamid ah gobollada dalka.

Kaarka ayaa ah aqoonsi muwaadinimo oo ay bixiso hay’adda NIRA, kaas oo la rabo inay qaataan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu sidoo kale muhiim u yahay doorashada dadweynaha ee ay rabto in Villa Soomaliya ka qabato dalka, inkastoo weli uu ka taagan yahay is faham-waa xooggan.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Mudug ee Puntland Mudane Faysal Sheekh Cali oo arrintan si adag uga hadlay ayaa ku hanjabay in tallaab adag ay ka qaadayaan qof weliba oo reer Puntland ah  oo qaata kaarka aqoonsiga muwaadinnimo ee hay’adda NIRA oo hoostagta dowladda federaalka Soomaaliya.

Faysal Sheekh ayaa intaasi kusii daray in qofkii qaata kaarkaas uu lumin doono xuquuqda uu ku leeyahay Puntland, balse ma caddeyn tallaabada ay qaadayaan ama waxa ay tahay xuquuqda uu waynayo qofka qaata kaarka hay’adda NIRA.

Sababta ugu wayN ee ay Puntland ku diiday arrintan wuxuu ku sheegay in jiritaanka hay’adda NIRA aysan aqoonsaneyn, isla markaana ay tahay hay’ad aaan ku dhisneyn nidaamka dastuurka ee heshiiska lagu yahay, sida uu hadalka u dhigay.

“Qofkii qaata Kaarka Aqoonsiga Muwaadinka ee Soomaaliya ee NIRA wuxuu lumin doonnaa Xuquuqda Muwaadinnimo ee Puntland, Dadbaa inta tagaan ayay leeyihiin aqoonsi Ayaan ka qaadaneynaa, horta dastuur ahaan ayaa jiritaankeeda la isku hayaa” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland.

Arrintan ayaa dhalisay hadal-heyn xooggan, maadaama ay Puntland qaadatay go’aan uga sii daraya khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka, waxayna arrintu mareysaaa meel halis ah oo haddii aan wax laga qaban keeni doonto saameyn intaan ka ballaaran.

Horay Puntland ayaa marar badan uga hortimid tallaabooyin ay qaaday dowladda federaalka, sida qaadista imtixaanaadka mideysan, wax ka beddalka dastuurka, dhismaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo go’aanno kale oo xasaasi ah.

Dhammaan go’aannadan ayaa daba socda is faham-waaga Xasan Sheekh iyo Saciid Deni oo horay ugu kala tegay arrimaha siyaasadda oo ay isku fahmi waayeen, waxaana haatan xiisadda uga sii daray qorshaha ay waddo Villa Soomaaliya ee la xiriira doorashooyinka oo dhaliyay khilaaf horleh oo xooggan.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xiisadda daba dheeraatay ee u dhexeysa Muqdisho iyo Garoowe oo haatan sii kala fogaanayo.

Shiinaha 16ka Maarso 2025 Dowladda Shiinaha ayaa hal arrin uga digtay maamulka Somaliland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, taas oo ku aadan xiriirka kala dhexeeya Taiwan oo muddooyinkii lasoo dhaafay sii xoogeysanayay.

Safiirka Shiinaha u fadhiya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, Amb. Wang Yu oo wareysi gaar ah siiyay Dalsan Tv ayaa si adag uga hadlay xiriirka Somaliland ay la leedahay Taiwan, wuxuuna sheegay inuu cambaareynayo tallaabooyinka noocaas oo kale ah.

Wang Yu ayaa shaaca ka qaaday in Taiwan ay tahay qayb muhiim ah oo ka mid ah dhul-weynaha Shiinaha, isla markaana aanay ogolaan doonin, sida dal oo kale in loola macaamilo.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray Danjiruhu inay qaadayaan tallaabooyin cadaadis lagu saarayo maamulka fadhigiisu Hargeysa, si uu uga hakado xiriirka Taiwan.

“Waxa jira oo keliya hal Shiine oo adduunka ah; Taiwan-na waa qayb aan laga goyn karin Shiinaha, waxaa jira dalal badan oo taageersan in la helo dib-u-midaynta qaranka, taasi waa xaqiiqda aasaasiga ah,” ayuu wareysiga ku yiri Mr. Wang Yu.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in labada dhinac ay isku garab siinayaan gooni istaag, balse ay ka digayaan in lagu sii socdo waddadaasi, sida uu hadalka u dhigay.

“Taiwan waxa ay gacan saar la leedahay quwada siyaasadeed ee Hargeysa, iyaga oo si cad ugu ololeynaya gooni-isu-taagga. Waanu cambaaraynaynaa oo waanu uga digaynaa xoojinta xidhiidhkaasi,” ayuu mar kale yiri safiirka Shiinaha ee Soomaaliya.

Danjire Wang Yu wuxuu carabka ku goday in dhanka kale ay xoojinayaan xiriirka kala dhexeeya dowladda federaalka, ayna taasi beddalkeeda ka hortegayaan tallaabooyinka Somaliland, si loo ilaaliyo midnimada dhuleed iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

“Shiinuhu wuxuu garab siinayaa dowladda Soomaaliya si loo ilaaliyo midnimada dhuleed ee qarankooda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhowaan madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu ka dhawaajiyay in maamulkiisa uu xoogga saari doono sidii sare loogu sii qaadi lahaa xiriirka xooggan ee kala dhexeeya maamulka Taiwan oo isku dano ay yihiin marka loo eego marxaladda ay wada marayaan.

Maraykanka 16ka Maarso 2025 Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeymo culus oo maanta iyo xalay siyaabo kala duwan uga dhacay gobollada Shabeelooyinka iyo Jubbada Dhexe, kuwaas oo lagu beegsaday kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.

Duqeynta koowaad ayaa ka dhacday deegaannada Boos Hareeri iyo Ceelbacad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, sida uu shaaciyay afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga, Abuukar Sheekh Maxamed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay furimaha hore ee dagaalka.

Abuukar ayaa shaaca ka qaaday in duqeymahaasi lagu dilay saraakiil iyo maleeshiyaad ka tirsan argagixisada, sidoo kalena lagu gubay gaadiid dagaal oo ay lahayd kooxdu.

Duqeynta labaad ayaa iyadana ka dhacday Shabeelaha Hoose, wuxuuna afhayeenka tilmaamay in lagu burburiyay buundo macmal ah oo ay sameysteen Al-Shabaab, isagana gudbi jireen gobollada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe.

“Waxaa duqeynta lagu burburiyay gaadiid ay wateen maleeshiyaadka Khawaarijta oo isugu jiray suugag iyo teedhi-sabano, sidaas oo kale waxaa la burburiyay buunadadii ay isaga gudbi jireen gobollada Shabeelada Dhexe iyo Shabeelada Hoose” ayuu yiri Abuukar.

Sidoo kale afhayeenka ayaa ka hadlay xaaladda degmada Awdheegle, wuxuuna sheegay in weli ay howlgallo kasii wadaan ciidamada Xoogga dalka oo uu tilmaamay inay jab gaarsiiyeen Shabaab, walow lasoo wariyay in xalay qayb kamida degmada ku hoydeen.

Abuukar Sheekh Maxamed ayaa intaasi kusii daray in weli maydadka Al-Shabaab ay dhex daadsan yihiin gudaha Awdheegle, oo shalay ay kula dagaalameen ciidamada.

Dhinaca kale, waxaa iyana duqeyn kale oo saddexaad ay ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe oo ah fadhiga ugu wayn ee Al-Shabaab, waxaana xalay diyaarado dagaal ay beegsadeen bartilmaameedyo ku yaalla gudaha degmadaas

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo qoraal kooban soo saaray ayaa si kooban uga hadlay duqeynta Jilib, wuxuuna tilmaamay inay faah-faahinta dib ka shaacin doonaan weerarkaas cirka ah ee lagu qaaday Shabaab.

“Hawlgalka ciribtirka Khawaarijtu wuxuu gaaray Jilib, faahfaahin ayaad heli doontaan insha allaah, ma jiri doonto goob iyo gabbaad nabad ah oo Khawaarij ay ka hesho gayigeenna alle edinki” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray wasiir Al-Cadaala.

Duqeymahan ayaa waxaa lagu taageerayaa ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ee haatan dagaalka adag kula jiro argagixisada oo ay isku hayaan Shabeelooyinka.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa sidoo kale looga hortegayaa qorshaha dib isku soo abaabulidda Al-Shabaab oo mar kale kusoo rogaal celisay deegaanno horay looga xoreeyay, iyadoo ujeedka duqeymaha ay yihiin in lagu cuuryaamiyo awoodooda.

WARARKA MAANTA 15ka Maarso 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta::Maxay beesha caalamka ugu baaqday inuu iscasilo Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa Madaxweyne ah Mudane Xassan? Yaa Raysal Wasaare ah Mudane Xassan? Yaa wasiiro ah Madaxweyne Mudane Xassan? Yaa wakhtiga ka dhamaanayaa Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa hantida dadweynaha iska leh qoyskayga Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Maxay tahay shaqada ka dhexaysa Dowladda Iyo #Shabaab? Maxay qaar kamid ah xildhibaaannada u fashileen inuu Wasiirk Ku-Xiigeenka Warfaafinta AL-Cadaala?

Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” u diiday inuu dhiso Maxkammadda Dastuuriga ah? Maxuuse u diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho? Maxayse beesha caalamka ugu diiday lacagtii laga xanibay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” ? Yaase ka masuul ahaa in lacagtaas lagu shubo akoontooyin shaqsiyadeed Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub ee #Soomaaliya? Yaa noqon doona Xeer Ilaaliyha Guud ee cusub? Yaa noqon doona Hanti-Dhowraha cusub? Yaa diidi kara inaysan wadashaqayn dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada? Ha Wiqleyso! 

Mariaykanka 15ka Maarso 2025 Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in safiirka Koonfur Afrika u fadhiya Washington, Ebrahim Rasool, loo aqoonsaday “persona non grata”, taasoo ka dhigan in aan la aqbalayn joogitaankiisa gudaha Mareykanka.

Rubio, oo qoraal soo dhigay baraha bulshada, ayaa ku eedeeyey Rasool inuu yahay “siyaasi kicinaya muran qowmiyadeed” isla markaana uu neceb yahay Mareykanka iyo Madaxweyne Donald Trump.

“Safiirka Koonfur Afrika ee Mareykanka lagama soo dhoweynayo dalkeena weyn,” ayuu yiri Rubio. “Wax xiriir ah nagama dhaxeeyo, waxaana loo aqoonsaday persona non grata.”

Sida lagu sheegay mareegta safaaradda Koonfur Afrika ee Washington, Rasool wuxuu xafiiska la wareegay 13-kii Janaayo, markaasoo uu waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyey Madaxweynihii hore Joe Biden, taasoo bilow u ahayd xilligii labaad ee uu ka shaqeynayey caasimadda Mareykanka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka iyo safaaradda Koonfur Afrika ee Washington ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsiyo ku saabsan arrintan.

Xiriirka Mareykanka iyo Koonfur Afrika oo sii xumaanaya

Xiriirka Mareykanka iyo Koonfur Afrika ayaa sii xumaanayay tan iyo markii Madaxweyne Trump uu jaray taageeradii dhaqaale ee Mareykanka siin jiray dalkaas. Trump wuxuu tallaabadiisa ku sababeeyay mucaaradkiisa siyaasadda dhulka ee Koonfur Afrika iyo sidoo kale kiiskii dacwadda xasuuqa ee Koonfur Afrika ka gudbisay Israa’iil maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda (ICJ).

Trump, oo aan wax caddeyn ah bixin, wuxuu hore u sheegay in “Koonfur Afrika ay la wareegeyso dhul” isla markaana “dad gaar ah si xun loola dhaqmayo.”

Dhinaca kale, bilyaneerka Koonfur Afrika u dhashay ee Elon Musk, oo aad ugu dhow Trump, ayaa sheegay in dadka cadaanka ah ee Koonfur Afrika ay la kulmayaan sharciyo lahaansho oo “cunsuriyad ah.”

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa bishii Janaayo saxiixay sharci fududeynaya in dowladda Koonfur Afrika ay si fudud dhul ugu wareejiso danaha guud, iyada oo mararka qaar aysan wax magdhow ah siin doonin milkiilayaasha.

Ramaphosa wuxuu difaacay siyaasaddan, isagoo sheegay in dowladdu aysan la wareegin wax dhul ah, balse ujeeddadu ay tahay in la yareeyo farqiga baaxadda leh ee dhulka lagu kala leeyahay ee u dhexeeya madowga iyo cadaanka dalkaas.

Arrintan ayaa sii xoojisay muranka diblomaasiyadeed ee ka dhex taagan xiriirka Washington iyo Pretoria, iyadoo Mareykanka uu hadda qaaday tallaabo diblomaasiyadeed oo aan caadi ahayn oo uu safiirka Koonfur Afrika uga eryay Washington.

Ruushka 15ka Maarso 2025  Mas’uuliyiinta ciidamada badda ee Itoobiya iyo Ruushka ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga militari, gaar ahaan dhinacyada tababarka iyo dhismaha awoodda badda, xilli Itoobiya ay dadaal ugu jirto in ay dhisto ciidan badeed, inkasta oo aysan lahayn xeeb.

Ku-xigeenka Taliyaha Ciidamada Badda ee Ruushka, Admiral Vladimir Vorobiev, iyo Ku-xigeenka Howlgalada Ciidanka Badda ee Itoobiya, Commodore Jemal Tufisa, ayaa Jimcihii ku kulmay Addis Ababa si ay u sahmiyaan fursadaha iskaashi ee suurtagalka ah.

Sida lagu sheegay bayaan rasmi ah oo kasoo baxay Ciidanka Difaaca Qaranka ee Itoobiya, wadahadalka ayaa diiradda lagu saaray tababarada militari, dhismaha awoodda badda, iyo iskaashiga farsamo si loo taageero qorshaha Itoobiya ee ku aaddan dhismaha ciidankeeda badda.

Intii uu socday booqashada, wafdiga Ruushka ayaa kormeeray xarumaha ciidamada badda ee Itoobiya, oo ay ku jirto Xarunta Tababarka Ciidanka Badda ee Itoobiya ee Bishoftu, halkaas oo ay ku qiimeeyeen dadaallada socda ee lagu dhisayo awoodda badda ee dalka.

Qorshaha Itoobiya ee awoodda badda

Commodore Jemal Tufisa ayaa xusay in Itoobiya ay si gaar ah diiradda u saarayso tababarka iyo dhismaha awoodda hawlgalka si ay u dhisto ciidan badeed oo dhammaystiran. Wuxuu tilmaamay in iskaashi la ballaariyo oo lala yeesho Ruushka uu xoojin karo diyaarinta Itoobiya si ay u xaqiijiso danaha qarankeeda ee biyaha gobolka.

Dadaalka Itoobiya ee lagu dhisayo ciidan badeed wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay sii kordhayaan xiisadaha gobolka, gaar ahaan ku saabsan qorshaheeda ay kaga gol leedahay inay hesho marin badeed rasmi ah.

Bishii Janaayo 2024, Itoobiya iyo Somaliland ayaa kala saxiixday Heshiis Is-afgarad (MoU) muran dhaliyay, kaas oo Itoobiya u ogolaanaya in ay hesho 20-kiloomitir oo xeebaha Somaliland ah oo ku dhow Berbera.

Beddelkeeda, Itoobiya waxay ballanqaadday inay aqoonsanayso madaxbannaanida Somaliland, taasoo ka dhigi lahayd dalkii ugu horreeyay ee ka tirsan Qaramada Midoobay ee Somaliland si rasmi ah u aqoonsada.

Dowladda Soomaaliya, oo Somaliland u aragta qayb ka mid ah dhulkeeda, ayaa si adag uga hortimid heshiiskaas, waxayna dib ugu yeertay safiirkeedii Addis Ababa, iyadoo ku dhawaaqday in heshiisku yahay “waxba kama jiraan.”

Heshiiskii Ankara Declaration

Xiisadda ka dhalatay heshiiska Itoobiya iyo Somaliland ayaa horseeday dadaallo diblomaasiyadeed, kuwaas oo ugu dambeyn keenay Ankara Declaration bishii Diseembar 2024.

Heshiiskan, oo ay garwadeen ka ahayd Turkiga, ayaa diiradda saaray sidii Itoobiya ay u heli lahayd xuquuq badeed, iyada oo la tixgalinayo madaxbannaanida iyo gobannimada dhuleed ee Soomaaliya. Heshiiska ayaa meesha ka saaray heshiisyo toos ah oo Itoobiya la gasho Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, su’aalo badan ayaa weli ka taagan sida heshiiskan loo dhaqan gelin doono.

Itoobiya iyo Ruushka oo xoojinaya iskaashiga militari, halka xiisadaha gobolka sii xoogeysanayaan

Horumarinta ciidamada badda ee Itoobiya iyo xiriirka militari ee sii xoogeysanaya ee ay la leedahay Ruushka ayaa walaac ka dhaliyay gobolka iyo beesha caalamka.

Soomaaliya, si ay uga falceliso tallaabooyinkan, waxay xoojisay iskaashiga ay la leedahay Masar, taasoo siisa hub iyo taageero militari, waxaana la filayaa in Masar ay Soomaaliya siiso ciidan si ay uga qeyb qaataan loolanka istiraatiijiga ah ee kala dhaxeeya Itoobiya.

Sidoo kale, joogitaanka ciidamada Itoobiya ee gobolka Gedo, halkaas oo ay dhowaan la wareegeen garoomo diyaaradeed oo muhiim ah, ayaa xiisadda sii huriyay. Talaabadan ayaa loo arkay mid ay Itoobiya uga hortagayso suuragalnimada taageerada militari ee Masar ay siiso Soomaaliya.

Dhinaca kale, kooxda Al-Shabaab ayaa isku dayday in ay ka faa’iidaysato khilaafaadka gobolka, taasoo sare u qaaday walaaca laga qabo in murannada diblomaasiyadeed ay wiiqaan dadaallada lagu xakameynayo argagixisada.

Ruushka wuxuu iskaashiga militari ee uu la yeelanayo Itoobiya ku waafajinayaa istiraatiijiyaddiisa ballaarinta saameynta militari ee Afrika.

Tan iyo markii uu si rasmi ah u joogsaday hawlgalkii Wagner Group kadib geeridii Yevgeny Prigozhin, Ruushka wuxuu hoos geeyay dhammaan hawlgalladii uu ka waday Afrika Wasaaradda Difaaca, wuxuuna dhisay “Africa Corps,” oo ah unug militari oo sii wadi doona shaqooyinkii ay Wagner horay uga waday qaaradda.

Iskaashiga uu Ruushku la yeelanayo dalalka Afrika, oo ay kamid tahay wadahadallada uu la yeeshay Itoobiya, wuxuu muujinayaa dadaalkiisa ah in uu xoojiyo xiriirka difaaca ee uu la leeyahay qaaradda Afrika.

Inkasta oo wadahadallada u dhexeeya Itoobiya iyo Ruushka ay muujinayaan dadaallada Itoobiya ee lagu dhisayo ciidanka badda, haddana wax heshiis difaac rasmi ah lama shaacin.

Muqdisho 15ka Maarso 2025 Bishii Febraayo, Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) wuxuu si weyn u xoojiyay howlgalladiisa militari ee Soomaaliya, taasoo muujisay in dagaalka ka dhanka ah argagixisada uu si rasmi ah ugu wareegay qaaradda Afrika.

Febraayo 1-dii, AFRICOM waxay duqeymo cirka ka fulisay Buuraleyda Golis, oo ah dhul fog oo ku yaalla waqooyiga Soomaaliya, bartilmaameedkooduna wuxuu ahaa laan ka tirsan Daacish-Soomaaliya. S

ida lagu sheegay war rasmi ah oo AFRICOM soo saartay, weerarkaas waxaa lagu dilay Axmed Maeleninine, oo ahaa shaqsi si firfircoon uga shaqeyn jiray qorista dagaalyahannada, maalgelinta ISIS, iyo fududeynta safarka jihaadiyiinta ee Yurub iyo Mareykanka.

Weerarkaas kaddib, AFRICOM waxay sii waday duqeymo kale oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo ISIS-Soomaaliya, taasoo Soomaaliya ka dhigtay mid kamid ah meelaha ugu firfircoon ee Mareykanku ka fulinayo hawlgallo militari.

Mareykanka oo dardar geliyay joogitaankiisa Soomaaliya

Iyadoo doodaha caalamiga ah ee la xiriira ciidamada Mareykanka ay u badan yihiin sidii loo dhimilahaa joogitaankooda, haddana Soomaaliya waxay mar kale noqotay mid Mareykanku uu xoogga saarayo. Arrintan ayaa dad badan ku noqotay lama filaan, maadaama Madaxweyne Donald Trump uu muddadii hore ee xilkiisa Soomaaliya kala baxay 700 askari oo Mareykan ah.

Si kastaba ha ahaatee, isbeddelka la arkay ma ahan mid layaab leh, balse wuxuu muujinayaa faham ballaaran oo ku aaddan xaqiiqada cusub:

Dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah wuxuu si toos ah ugu wareegay Afrika.

Qaaradda Afrika ayaa hadda ah goobta ugu weyn ee dagaalka lagula jiro kooxaha xagjirka ah. Warbixin uu daabacay Midowga Afrika waxay muujisay in sanadka 2024 kaliya, qaaradda ay la kulantay in ka badan 3,400 weerar argagixiso, kuwaasoo sababay dhimashada 13,900 qof.

Soomaaliya ayaa tusaale u ah sida kooxaha argagixisada ay si qoto dheer ugu dhex milmeen qaaradda.

Daacish-Soomaaliya: Khatar soo kordhaysa

Daacish-Soomaaliya waxay muujisay sida kooxaha argagixisada ay si qoto dheer ugu fidayaan Afrika. Tan iyo markii ay kasoo go’day Al-Shabaab sannadkii 2015, kooxdaan si xawli ah ayey u koraysay. Warbixin kasoo baxday AFRICOM waxay xustay in sanadkii hore tirada dagaalyahannada Daacish-Soomaaliya ay laba laabmeen.

Sidoo kale, waxaa jirta cabsi ah in hoggaamiyaha ISIS-Soomaaliya, Cabdulqaadir Muumin, uu noqday hoggaamiyaha guud ee ISIS bishii 2023, kaddib weerar Mareykanku la beegsaday oo aan la xaqiijin in lagu dilay.

Haddii arrintan la xaqiijiyo, waxay muujinaysaa in ISIS aysan hadda kaliya ahayn koox laga aaminsan yahay Bariga Dhexe, balse ay si qoto dheer ugu fidayso Afrika, ayna halis ku tahay amniga caalamka.

Kooxaha argagixisada ma ahan kuwo ku kooban Soomaaliya. Laga soo bilaabo Harada Weyn ee Afrika ilaa Mozambique, kooxaha xagjirka ah waxay si weyn ugu baahsan yihiin, halka maalgeliyeyaashooda ay joogaan gobollo kala duwan.

Si kastaba ha ahaatee, meel kasta oo kale way ka sii daran tahay xaaladda Saaxil, halkaas oo argagixisada ay sannado badan si xowli ah ugu xoogaysanayeen. Kooxo kala duwan oo ay kamid yihiin:

  • Jama’at Nusrat al-Islam wal-Muslimin
  • ISIS-Greater Sahara
  • ISIS-West Africa Province
  • Boko Haram

…ayaa halkaa saldhigyo ka sameystay, waxayna xitaa isku dagaallamayaan si ay awood u helaan.

Bishii la soo dhaafay, koox ka tirsan Al-Qaeda waxay si kooban u qabsatay garoonka diyaaradaha ee Bamako ee Mali, halkaasoo ay sawirro kula galeen diyaarad rasmi ah oo ay leedahay dowladda Mali.

Dhowr sano ka hor, inqilaabyo dhacay ayaa xukunka ka tuuray dowlado dimuqraadi ah oo ka jiray Saaxil, kuwaasoo markaas dib ugu leexday inay taageero militari ka helaan Ruushka, halkii ay sii wadan lahaayeen xiriirka Mareykanka iyo Midowga Yurub.

Balse, sida la arkay, taageerada Ruushku waa mid xadidan. Tusaale ahaan:

  • Mali: Ruushku wuxuu ciidamo u diray si ay uga hortagaan kooxaha jihaadiga ah, balse taasi ma joojin weeraradii Al-Qaeda.
  • Mozambique: Wagner Group, oo Ruushku adeegsado, waxay si degdeg ah uga baxday dagaalkii ay kula jireen Al-Shabaab, kadib markii 12 askari oo Ruush ah la dilay.

Inta ay kooxaha jihaadiga ahi sii xoojinayaan awooddooda, waxaa muuqata in xulafada kala duwan ee gobolku ay waajahayaan xaalad adag.

Mareykanka oo sare u qaadaya feejignaanta Afrika

Muuqaalka argagixisada Afrika wuxuu sababay in Mareykanka uu kordhiyo feejignaantiisa. Ma cadda in Mareykanku dib u hagaajin doono xiriirkiisa jabhadaha Saaxil ee xukunka la wareegay, balse maamulka Trump wuxuu xasuusan doonaa casharadii laga bartay weerarkii Tongo Tongo ee Niger sanadkii 2017, markaasoo dagaalyahanno ka tirsan ISIS-Greater Sahara ay dileen afar askari oo Mareykan ah.

Wuxuu ahaa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee ciidamada Mareykanka ay ka la kulmaan Afrika muddo tobannaan sano ah.

Sanadihii la soo dhaafay, indhaha caalamka waxay u badnaayeen Bariga Yurub iyo Bariga Dhexe, halkaas oo dagaallo waaweyn ay socdaan. Laakiin hadda, iyadoo kooxaha argagixisada ay Afrika ka dhigteen xarumo laga beegsado dunida inteeda kale, khatarta ay ku hayaan Mareykanka iyo xulafadiisa ayaa sii kordheysa.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth, oo safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda ah uu kusoo booqday xarunta AFRICOM ee Jarmalka, wuxuu si cad u yiri: “Afrika waa safka hore ee dagaalka lagula jiro Islaamiyiinta. Ma ogolaanayno inay sii xoojiyaan saldhigyadooda, gaar ahaan haddii ay doonayaan inay beegsadaan Mareykanka.”

Sidoo kale, kulan uu la qaatay hoggaanka AFRICOM ayuu ku saxiixay amar fududeynaya duqeymaha cirka iyo hawlgallada gaarka ah ee ciidamada Mareykanka.

Duqeymihii Mareykanka ka fuliyay Soomaaliya bishii la soo dhaafay waxay u badan tahay inay noqdaan kuwa ugu horreeya ee silsilad weerarro militari oo sii soconaya.

Dagaalka casriga ah ee ka dhanka ah argagixisada wuxuu si rasmi ah ugu wareegay Afrika, Mareykankuna wuu ku lug yeelan doonaa. 

Alexander Tripp waa ku-xigeenka agaasimaha xarunta Afrika ee the Atlantic Council.

Muqdisho 15ka Maarso 2025 Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa Jimcihii shaaca ka qaaday inaysan wax codsi ah ka helin Mareykanka ama Israa’iil oo la xiriira qorshaha dib u dajinta Falastiiniyiinta laga barakicinayo Gaza, iyadoo Muqdisho ay si cad u diiday suurtagalnimada tallaabo noocaas ah.

Wakaaladda wararka ee Associated Press (AP) ayaa werisay in saraakiil Mareykan iyo Israa’iili ah ay la xiriireen mas’uuliyiin ka kala socda Suudaan, Soomaaliya, iyo Somaliland si ay ugala hadlaan suurta-galnimada in dhulkooda loo adeegsado dib u dajinta Falastiiniyiinta ka soo qaxay dagaalka Qaza.

Mas’uuliyiinta Suudaan ayaa si cad u diiday dalabka Mareykanka, halka madaxda Soomaaliya iyo Somaliland ay sheegeen inaysan wax wada-xiriir ah arrintan la xiriira ka helin Mareykanka ama Israa’iil, sida ay AP ku warrantay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa xusay in dalkiisu si aan shuruud lahayn u diidayo “wax kasta oo hindise ama qorshe ah oo ka yimaada dhinac kasta, kaasoo wax u dhimaya xuquuqda shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool dhulkooda hooyo.”

Fiqi, oo la hadlay Reuters, ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya aysan helin wax codsi ah oo la xiriira arrintan, isagoo xusay in Muqdisho ay si adag uga soo horjeeddo qorshe kasta oo dhul Soomaaliyeed loogu adeegsado dib u dajinta dadka kale.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa Reuters u sheegay: “Ma jiro wax wadahadal ah oo aan la leenahay cidna oo ku saabsan Falastiiniyiinta.”

Xaaladda Soomaaliya iyo Somaliland

Soomaaliya, oo muddo ka badan 17 sano dagaal kula jirtay kooxaha Islaamiga ah ee hubaysan, ayaa weli la daalaa-dhacaysa rabshado amni.

Si ka duwan, Somaliland—oo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991—ayaa inta badan xasilloonayd. Inkasta oo aysan helin wax aqoonsi caalami ah, haddana xukuumaddeedu waxay rajaynaysaa in madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu taageero dadaalladooda aqoonsi raadinta.

Soomaaliya, dhankeeda, waxay si adag u diidday sheegashada Somaliland ee ah in laga aqoonsado dal madax-bannaan, iyadoo ku adkaysatay in midnimada iyo gobannimada dhuleed ee Soomaaliya aysan waxba iska beddeli karin.

Aqalka Cad iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsiyo Reuters u dirtay oo ku saabsanaa arrintan.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan, oo hadda la daalaa-dhacaysa dagaal sokeeye oo ba’an, ayaan sidoo kale si rasmi ah uga falcelin codsi Reuters uga yimid oo la xiriiray suurtagalnimada dib u dajinta Falastiiniyiinta.

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Suudaan ayaa Reuters u sheegay in Suudaan aysan helin wax codsi ah oo arrintan la xiriira, isla markaana aysan marnaba aqbali doonin qorshahan.

Qorshayaasha dhismaha Gaza

Hoggaamiyeyaasha Carabta ayaa meel mariyey qorshe dib-u-dhis ah oo ay hormuud u tahay Masar, kaasoo ku kacaya $53 bilyan, looguna talagalay dib u dhiska Qaza, iyagoo si cad u diiday in Falastiiniyiinta laga raro dhulkooda.

Tani waxay si toos ah uga hor imaanaysaa fikradda uu Trump hore u soo jeediyey ee ahaa in Gaza laga dhigo “Riviera cusub oo Bariga Dhexe ah.”

Trump ayaa soo jeediyey in Mareykanka uu si toos ah gacanta ugu dhigo Gaza si dib loogu dhiso, kaddib dagaalladii billowday Oktoobar 2023.

Waxa kale oo uu horey u soo jeediyey in Falastiiniyiinta si rasmi ah dib loogu dajiyo meel ka baxsan dhulkooda, taasoo sii xoojisay cabsi ay muddo dheer qabeen oo ah in si joogto ah looga masaafuriyo dhulkooda hooyo.

Qorshaha Trump ayaa si weyn looga soo horjeestay caalamka, iyada oo laga digay cawaaqibka uu ku yeelan karo mustaqbalka Falastiiniyiinta.

Markii wax laga weydiiyey warbixinta AP, afhayeenka Qaramada Midoobay ee Geneva, Michele Zaccheo, ayaa yiri: “Qorshe kasta oo horseedi kara barakicin khasab ah ama sifeyn qowmiyadeed waa arrin aan si cad uga soo horjeedno, waayo waxay ka hor imaanaysaa sharciga caalamiga ah.”

Dhinaca kale, Taher Al-Nono, oo ah la-taliye sare oo u dhow hoggaanka Xamaas, ayaa Reuters u sheegay in fikradda dib u dajinta Falastiiniyiinta ee Afrika ay tahay “arrin aan macquul ahayn”, taasoo ay si adag uga soo horjeesteen Falastiiniyiinta iyo hoggaamiyeyaasha Carabta.

“Falastiiniyiintu kama tagayaan dhulkooda,” ayuu yiri.

Dhanka Israa’iil, wasiirro ka tirsan xukuumadda Tel Aviv ayaa sheegay inay sahminayaan siyaabo ay ku fududayn karaan in Falastiiniyiinta ay iskood uga baxaan Gaza, balse aysan qorsheynayn in si khasab ah loo masaafuriyo.

WARARKA MAANTA 14ka Maarso 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxay tahay shaqada ka dhexaysa Dowladda Iyo #Shabaab? Maxay qaar kamid ah xildhibaaannada u fashileen inuu Wasiirk Ku-Xiigeenka Warfaafinta AL-Cadaala?

Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” u diiday inuu dhiso Maxkammadda Dastuuriga ah? Maxuuse u diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho? Maxayse beesha caalamka ugu diiday lacagtii laga xanibay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” ? Yaase ka masuul ahaa in lacagtaas lagu shubo akoontooyin shaqsiyadeed Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub ee #Soomaaliya? Yaa noqon doona Xeer Ilaaliyha Guud ee cusub? Yaa noqon doona Hanti-Dhowraha cusub? Yaa diidi kara inaysan wadashaqayn dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada? Ha Wiqleyso! 

Muqdisho 14ka Maarso 2025 Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo maanta furimaha dagaalka ee gobolka Sh/Dhexe ugu khudbeeyey cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa wacad ku maray in Shabaab aysan guul ka gaari doonin dagaalka ay ku soo qaadeen gobolka Shabeellaha Dhexe.

“Walaahi Bilaahi Talaahi inta qof naga nool yahay in Shabaab uusan dalkaan ka tali doonin, waan jihaadeynaa, meel kale oo aan aadno ma naqaan, adduunka wadankaan ayaan ku leenahay, Khawaarijna kuma wareeji doono,” ayuu yiri Shuute.

Guddoomiyaha oo qoriga iyo booshka garabka surtay ayaa muddo bilk u dhow ka barbar dagaalamaya ciidamada qaranka ee ka dagaalamaya gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo kooxda Al-Shabaab ay ku soo qaaday weerarro  rogaal celis ah.

“Meel aan ka aadno dalkeena ma naqaan, waan dagaalameynaa, waxaan ku jirnaa jihaad xaq ah, meel aan u laabano nagama dambeyso, dagaalkaan waan la isku baranayaa, waxaan ku jirnaa Ramadaan iyo Jilaal kulul, hadii aan ku shahiidno dagaalkaan waxaan nahay Shuhaado, ragga naga dhaawacmay waxaan ka codsaneynaa inay dagaalka kusoo laabtaan markii ay bogsoodaan,” ayuu yiri Shuute.

Guddoomiyaha ayaa aad ula dardaarmay ciidanka, wuxuu sheegay in Shabaab ku Jabeen dagaalka, isagoo ciidanka niyadda ugu dhisay inay ku sii dhowaanayaan guusha, kii dhintaana uu shahiid yahay.

“Intii aan maxkamadeynayey Shabaab-ka mid kasta oo aan wareysto wuxuu ilahaa dagaalka waan ku jabnay, ciidamada dowladana waa ugu daran Gor Gor,” ayuu yiri Shuute oo galabta u khudbeynayey ciidamada Gor Gor ee dagaalka uga jira Sh/Dhexe.

Taliyaha Ciidanka Xoogga, Taliyaha Ciidanka Dhulka, Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Shuute iyo dhamaan saraakiisha ciidanka xoogga ayaa iska xaadiriyey furimaha dagaalka, halkaas oo halgankii ugu adkaa uu ka bilowday, kadib markii ay maalmo ka hor gobolka Sh/Dhexe soo galeen Shabaab soo jabsaday wabiga.

Muqdisho 14ka Maarso 2025 Ra’iisul Wasaaraha XFS, Xamse Cabdi Barre ayaa kulan afur wadareed ah galabta  suuqa weyn ee Bakaaraha kula qaatay boqolaal shacab ah , inta badan wasiirrada xukuumadda, maamulka gobolka Banaadir, saraakiisha amniga Muqdisho iyo masuuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaaraha oo afurkii kadib gudaha suuqa Bakaaraha kula hadlay bulshada ayaa ugu horeyn ka hadlay amniga caasimadda Muqdisho, isagoo aad ugu amaanay ciidamada amniga horumarka laga gaaray sugidda amniga.

“Waxaa jira sharwadayaal sida Sigaarku uu u qabto qofka Balwadda leh uu u qabto dhiigga islaamka, weliba iyadoo lagu jiro bil Ramadaan, walaalayaal kuwaas aan iska qabano, waana iska qabanaye aan dhameystirno, anagoo ka faa’iideysaneyna raxmadda bishaan barakeysan ee Ramadaan,” ayuu yiri Xamsa.

Intaas kadib Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka, isagoo soo hadal qaaday doorashadii Kismaayo ee kursiga Xildhibaanka uu ku soo qaatay, isagoo qiray in kursigaas loo soo boobay.

“Waan dhibsanayey maalintii la ii boobayey kursigaas, waxaan ka jeclaa aniga iyo saaxiibadeyn in santuuq naloo dhigo oo aan ku tartano, laakiin ma dhicin, sababta aan ugu adkeystay in kursigaas aan soo qaato waxay aheyd inaan aaminsanaa in dadkeyga aan wax tari karo,” ayuu yiri R/ Wasaare Xamsa.

“Hadda waxaan rabnaa in dadkeena xaqooda loo celiyo, ma dooneyno inaan ka shaqeyno in Xasan iyo Xamse la doorto ee waxaan u dagaalameynaa in dadku soo doortaan qofka ay rabaan, in xukun jaceyl uusan nagu jirin waxaad ka garan kartaan sida aan doorashada dadweynaha ugu heelanahay,” ayuu yiri Xamsa Barre

Wuxuu sheegay in tallaabooyinkii doorashada ay waqti hore bilaabeen, iyadoo la sameeyey guddigii doorashada “Qofkii doorashada ka hor taagan shacabka Soomaaliyeed waa arki karaane ha iska diideen dadka luga ku dhegan ee xaqooda hortaagan,” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in doorashooyinkii lasoo maray wax loo noqdo aysan aheyn, “Waxaan ku jiray kuwii kursiga loo boobay, walaahi xiiso uma qabin waan ka xumaa,” ayuu yiri isagoo intaas ku sii daray, “hadii naloo codeyn lahaa, waxaan aaminsanahay inm la I dooran lahaa, anigoo saaxiibadey dhicin.”

Muqdisho 14ka Maarso 2025  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan ayaa abaal marinno lacageed guddoonsiiyey halyeeyada kaalimaha hore ka galay tartanka sannadkan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in tartankan Qur’aanka Kariimka ah uu ka tarjumayo sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu dhaggan yihiin diintooda suubban, ugana shaqeynayaan barashadeeda iyo ku dhaqankeeda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in dowladnimada Soomaaliyeed ay u taagantahay ilaalinta diinta iyo ku dhaqanka shareecadda Islaamka ayaa abaal marin dhan 20,000 oo doolar waxa uu guddoonsiiyey Cabdiraxmaan Cabdullahi Cismaan oo kaalinta koowaad u galay sannadkaan Tartanka Qur’aanka Kariimka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa abaal marinno guddoonsiiyey xufaadda kaalimaha hore galay oo kala ah;

1:Cabdiraxmaan Cabdullahi Cismaan $20,000

2:Sakariye Cabdullahi Xassan Rooble $15,000

3:Cismaan Cabdullaahi Cismaan $10,000

4:Caaisha Aadan Maxamed $7,000

Soomaalida Iyo Canfarta 14ka Maarso 2025– Maamullada Dowlad-deegaanada Soomaalida iyo Canfarta ee Itoobiya ayaa qaaday tallaabooyin lagu xoojinayo nabadda iyo is-dhexgalka bulshada labada dhinac, si xal waara loogu helo colaadda ka taagan xuduudaha ay wadaagaan.

Hoggaanka nabadgelyada deegaanka Soomaalida, Cabdiqaadir Rashiid Ducaale ayaa sheegay in labada maamul ay qaban-qaabiyeen munaasabad afur ah oo lagu dhisayo xiriirka labada shacab.

“Ciidamadii waxa laga saaray goobihii ay horey u joogeen, wada-hadallona waa la bilaabay. Bisha Ramadaan, oo weerarro horey uga dhici jireen, ayaa loo adeegsaday fursad lagu mideynayo bulshada, si loo abuuro jawi nabadeed,” ayuu yidhi Ducaale oo la hadlay BBC.

Waxa uu intaas ku daray in magaalada Jigjiga afur loogu sameeyey wafdi ka kooban 65 sarkaal oo ka socda deegaanka Canfarta, halka sidoo kale madaxda Soomaalida afur loogu qaban doono deegaanka Canfarta. Intaas kadib, waxa la qorsheynayaa in afur guud lagu qabto xadka labada deegaan.

Dib-u-dejinta barakacayaasha iyo xal u helista muranka dhuleed

Ducaale waxa uu sheegay in tallaabada xigta ay tahay dib-u-dejinta dadkii barakacay, iyada oo si sharci ah loo xallin doono muranka la xiriira lahaanshaha dhulka.

Dhanka kale, Madaxweynaha deegaanka Canfarta, Awol Arba ayaa Talaadadii gaaray magaalada Jigjiga, halkaas oo uu ka qayb-galay munaasabadda afurka ee nabad-dhisidda.

Colaadda u dhexeysa labada deegaan ee Soomaalida iyo Canfarta ayaa salka ku haysa muran dhuleed.

Bulshada Ciisaha ee ku nool galbeedka Sitti ayaa aaminsan in ay ka tirsan yihiin deegaanka Soomaalida, halka maamulka Canfartana uu sheeganayo in dhulkaasi ka mid yahay dhulkiisa.

Dadaallada socda ayaa looga gol leeyahay in si nabadeed xal waara looga gaaro khilaafka taagan, kaas oo dhowr jeer sababay in labada dhinac dagaalamaan, una horseeday khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ethiopia iyo Eriteria 15ka Maarso 2025 Xiisadda sii kordhaysa ee u dhaxeysa Ethiopia iyo Eritrea ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo dagaal hor leh oo ka qarxa gobolka Geeska Afrika, taasoo keeni karta musiibo bani’aadannimo oo kale, sida ay ka digeen saraakiil ka tirsan gobolka xasillooni darrada ka taagan tahay ee Ethiopia.

Haddii labada dal ay dagaal toos ah galaan, waxay taasi dhabar-jab ku noqon doontaa heshiiskii nabadeed ee taariikhiga ahaa ee ay gaareen, kaasoo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ku helay abaal-marinta nabadda ee Nobel sanadkii 2019.

Sida ay sheegayaan falanqeeyayaal, dagaalku wuxuu sidoo kale keeni karaa in dalal kale oo gobolka ah ay ku lug yeeshaan.

Xiisaddan sii kululaanaysa waxay sii murjin kartaa xaaladda bani’aadannimo ee gobolka, iyadoo xayiraadaha gargaarka ay caqabad ku noqdeen dadaallada lagu caawinayo malaayiin qof oo ay saameeyeen colaadaha gudaha ka aloosan Sudan, Somalia iyo Ethiopia.

“Dagaal wuu qarxi karaa waqti kasta”

“Waqti kasta waxaa qarxi kara dagaal dhex mara Ethiopia iyo Eritrea,” ayuu General Tsadkan Gebretensae, oo ah madaxweyne ku-xigeenka maamulka kumeel gaarka ah ee Tigray, ku qoray wargeyska The Africa Report ee diiradda saara arrimaha Afrika, Isniintii.

Dagaalkii sokeeye ee ka dhacay Tigray intii u dhaxaysay 2020-2022, oo u dhexeeyay Tigray People’s Liberation Front (TPLF) iyo dowladda dhexe ee Ethiopia, wuxuu sababay dhimashada boqolaal kun oo qof.

Cabsi laga qabo dagaal cusub ayaa soo xoogeysatay kadib markii TPLF ay u kala jabtay laba garab sanadkii hore—mid hadda maamula Tigray oo taageero ka helaya dowladda federaalka Ethiopia iyo mid kale oo kasoo horjeeda.

Talaadadii, garabka mucaaradka ah, oo Tsadkan ku eedeeyay inuu xiriir la leeyahay Eritrea, ayaa la wareegay magaalada waqooyiga ku taalla ee Adigrat.

Hoggaamiyaha maamulka kumeel gaarka ah ee Tigray, Getachew Reda, ayaa dhankiisa dowladda Ethiopia ka codsaday gargaar ka dhan ah mucaaradka, kuwaasoo beeniyay inay xidhiidh la leeyihiin Eritrea.

“Xiriirka Ethiopia iyo Eritrea aad buu u xumaaday,” ayuu Getachew ka sheegay shir jaraa’id Isniintii. “Waxa aan aad uga walwalsanahay waa in shacabka Tigray mar kale noqdaan dhibbanayaal dagaal aysan aaminsaneyn.”

“Dabka diyaarsan, oo shiditaan u baahan”

Dowladda federaalka Ethiopia weli kama aysan hadlin xiisadda sii xumaanaysa. Dhanka kale, wasiirka warfaafinta Eritrea wuxuu hadallada Tsadkan ku tilmaamay “xaalad dagaal-ooge lagu sifoobay.”

Si kastaba ha ahaatee, Eritrea waxay bishii Febraayo bilowday abaabul ciidan oo ballaaran, sida uu sheegay ururka xuquuqda aadanaha ee UK-based Human Rights Concern – Eritrea.

Sidoo kale, Ethiopia waxay dhawaan ciidamo u dirtay xadka Eritrea, sida ay Reuters u xaqiijiyeen laba ilo diblomaasiyadeed iyo laba mas’uul oo Tigray ah, kuwaasoo codsaday in magacyadooda la qariyo sababo la xiriira xasaasiyadda arrinta.

Reuters ma xaqiijin karto si madax-bannaan dhacdooyinkan. Afhayeenada dowladaha Ethiopia iyo Eritrea kama jawaabin codsiyo laga weydiiyay arrinta.

Diblomaasiyiinta hore ee Mareykanka iyo Midowga Yurub ee gobolka, Payton Knopf iyo Alexander Rondos, ayaa maqaal ay u qoreen majaladda Foreign Policy ku sheegay in halista dagaal cusub ay dhab tahay.

“Xaaladda siyaasadeed iyo tan amni ee Tigray waxay u muuqataa dab qabooban oo kaliya sugaya in la shido,” ayay qoreen.

Xiriir murugsan oo taariikhi ah

Xiriirka Ethiopia iyo Eritrea wuxuu muddo dheer ahaa mid murugsan. Eritrea waxay ka go’day Ethiopia sanadkii 1993 kadib dagaal 30 sano socday oo ay xorriyad ku dooneysay. Labada dal waxay mar kale galeen dagaal xuduudeed intii u dhaxaysay 1998-2000.

Xiriirkoodu wuxuu si rasmi ah u ahaa mid dagaal ah ilaa 2018, markaasoo Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ay gaareen heshiis nabadeed. Ciidamada Eritrea ayaa xitaa garab siiyay dowladda federaalka Ethiopia intii uu socday dagaalkii Tigray.

Balse, ka saarista Eritrea ee wada-hadalladii nabadeed ee xigay ayaa markale xiisadda sare u qaaday.

Mas’uuliyiinta Eritrea waxay si adag uga jawaabeen hadallo uu Abiy Ahmed jeedinayay tan iyo 2023, oo uu ku sheegay in Ethiopia, oo aan badda lahayn, ay xaq u leedahay marin badeed, taasoo falanqeeyayaal qaar u arkeen farriin xambaarsan hanjabaad ciidan oo ka dhan ah Eritrea, oo ku taalla Badda Cas.

Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, Eritrea—oo ah dal xukun adag leh oo go’doonsan—waxay heshiis amni la saxiixatay Masar iyo Soomaaliya, arrin loo fasiray in ay uga gol leedahay in ay Ethiopia ka hortagto haddii ay isku daydo ballaarin dhuleed.

WARARKA MAANTA 12ka Maarso 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxay tahay warqada sirta ah ee uu Wasiirka Maalliyada u diray beesha caalamka inay xanibto lacag uu xaday Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuu “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta aarsaanaya haddii loo diiday gabarta/igaarta Madaxweyne Mudane Xassan? Yaase ogaaday inay $ 260 milyan uu ku shubtay akoonto #Switzerland? Maxayse tahay warqada uu Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre la wadaagay beesha caalamka? Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” u diiday inuu dhiso Maxkammadda Dastuuriga ah? Maxuuse u diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho? Maxayse beesha caalamka ugu diiday lacagtii laga xanibay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” ? Yaase ka masuul ahaa in lacagtaas lagu shubo akoontooyin shaqsiyadeed Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub ee #Soomaaliya? Yaa noqon doona Xeer Ilaaliyha Guud ee cusub? Yaa noqon doona Hanti-Dhowraha cusub? Yaa diidi kara inaysan wadashaqayn dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada? Ha Wiqleyso! 

Beledweyne 12ka Maarso 2025  Waxaa Caawa wali rasaas goos goos ah laga maqlaya gudaha hotelka Qaahira ee magaalada Baledweyne, kaasoo waabarigii hore ee saakay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ku galeen weerar qaraxyo ku bilaawday oo uu xigay dagaal toos ah.

Weerarkaan oo qaatay mudo ka badan 13 saacadood ayaa ilaa hada aanan lagu guuleysan in lasoo afjaro xubnaha Shabaab ee ka dhex dagaalamaya gudaha hoteelka. Ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa Midowga Afrika ee ku sugan Baledweyne ayaa wali isku dayaya iney soo gabagabeeyaan weerarka hotel Qaahira ee magaalada Baledweyne oo lagu dilay dad badan oo isugu jira Nabadoono, saraakil ciidan iyo shacab.

Weerarkaan khasaaraha xoogan sababay ayaa si weyn u saameyay nolosha dadka ku nool Baledweyne, kadib markii la jaray barqanimadii maanta isgaarsiinta iyo adeega lacagaha la isugu diro ee loo yaqaano EVC, maadama Baledweyne aysan ka shaqeyn lacagta shilin Soomaaliga ah.

Walaaca ugu xoogan ee dadka haysta ayaa ah ineysan heli karin meel ay wax ka iibsadaan, waxaana isgaarsiintana hadii ay hawada kasii maqnaato ay sababi doonta in dad badan noloshooda halis ku timaado iney helaan wax ay cunaan.

“Talefankeyga ayadoo lacag igu jirto ayaa hadana waayay meel aan wax uga iibsado, sababto Isgaarsiinta ayaa maqneyd xiliyada wax gadan jirnay shilin Soomaali kama socdo magaalkaan, hadii Isgaarsiinta hawada sidaan uga sii maqnaato waxaa imaan doonto in dad gaajo u dhintaan” ayuu yiri mid ka mid ah dadka reer Baledweyne oo HOL la hadlay.

Xaalada Baledweyne Caawa waa mid aad  kacsan oo waxaa jirta cabsi xoogan oo ay dareemayaan dadka shacabka ah waxaana wadooyinka magaalada buux dhaafiyay askar aad u hubeysan oo joojiyay isku socodka guud iyo ganacsiga Baledweyne.

Turiga 12ka Maarso 2025 Turkigu waxa uu hor istaagi doonaa wax iskaashi cusub ah, oo ay ku jiraan dhoola-tusyada militari, oo dhexmara Israa’iil iyo NATO illaa laga xaqiijiyo xabbad-joojin rasmi ah oo Gaza ka hirgasha, sida ay ilo-wareedyo rasmi ah oo Turkshi ah u sheegeen shabakadda Middle East Eye, Isniintii.

Wargeyska Israa’iil ah ee Yedioth Ahronoth ayaa dhammaadkii asbuucan ku warramay in Turkigu uu hor istaagay Israa’iil inay ka qayb qaadato dhoola-tuska sanadlaha ah ee NATO ee ku saabsan “adkeysiga iyo diyaar garowga xaaladaha deg-degga ah” oo ka dhici doona Bulgaria, bisha September.

Ilo-wareedyo laba ah oo Israa’iili ah ayaa u xaqiijiyay Middle East Eye in Ankara ay hor istaagtay ka qayb qaadashada dalkooda ee dhoola-tuska.

Hal ilowareed ayaa sheegay in tallaabadan danbe ay macquul tahay in ay la xiriirto hadallo kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, kaasoo ballan qaaday inuu ilaalin doono bulshooyinka Druze iyo Kurdida ee Suuriya.

Hadalladan iyo joogitaanka militari ee Israa’iil ee Suuriya ayaa ka careysiiyay Ankara, oo aaminsan in Netanyahu uu rabo inuu kala qaybiyo dalka.

Jawaabta Turkey 

Hase yeeshee, ilowareed rasmi ah oo Turkish ah ayaa inkiray in tallaabadan ay wax lug ah ku leedahay arrinta Suuriya.

“Waxaan hor istaagaynay Israa’iil iskaashiyo cusub oo ay la yeelato NATO muddo ka badan sannad,” ayuu yiri ilo-wareedka. “Si kastaba ha ahaatee, howlaha ka dhashay xaaladda Israa’iil ee NATO waa ay socdaan.”

Ilo-wareedka ayaa intaas ku daray in marka laga reebo hawlihii horey loogu heshiiyay dagaalka ka hor, Ankara ay awood u leedahay inay diidmo (veto) ku sameyso go’aan kasta oo NATO dhexdeeda ah, taasoo ku shaqeysa go’aanno midaysan.

“Ilaa laga xaqiijiyo xabbad-joojin rasmi ah oo Gaza ka hirgasha, caqabadahana laga qaado gargaarka bani’aadannimo, ma ogolaaneyno go’aanno cusub ama kuwo dheeraad ah in la gaaro ama dhaq-dhaqaaqyo o cusub lagu abaabulo NATO oo ku saabsan Israa’iil,” ayuu yiri ilo-wareedka.

Ankara ayaa horey u hor istaagtay Israa’iil inay hesho heerka indha-indheeye ee NATO, mowqifkaas oo ay meesha ka saartay intii lagu guda jiray hannaankii dib-u-heshiisiinta ee dhexmaray labada dal sannadkii 2023.

Xiriirka Israel iyo Turkey 

Xiriirka Turkiga iyo Israa’iil ayaa si ba’an u xumaaday tan iyo markii kulan u uku dhexmaray Erdogan iyo Netanyahu magaalada New York bishii September 2023, kaasoo ujeedkiisu ahaa inuu noqdo astaan dib-u-heshiisiin.

Si kastaba ha ahaatee, kadib weerarkii ay Hamas hoggaaminaysay 7 October 2023 iyo dagaalkii xigay ee Israa’iil ay ku qaaday Gaza, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 48,000 oo Falastiiniyiin ah, Ankara ayaa xoojisay dhaleeceynteeda dowladda Netanyahu.

Tani waxay horseedday taxane tallaabooyin ah, oo ay ku jiraan tallaabooyin sharci ah iyo cunaqabatayn ganacsi, gaar ahaan ka dib doorashooyinkii deegaanka ee Turkiga, halkaasoo Xisbiga Caddaaladda iyo Horumarinta ee Erdogan uu waayay taageero sababo la xiriira jawaab celin daciif ah oo laga bixiyay dagaalka Gaza.

Tan iyo bishii September, ganacsiga socda ee Turkiga ee Israa’iil iyada oo loo marayo dhinacyo saddexaad ah iyo Falastiin ayaa kiciyay olole cadaadis dadweyne ah oo ay wadaan mucaaradka, kuwaasoo ku eedeeyay Erdogan inuu ku guuldareystay inuu xannibo dal-daloolada.

Ankara sidoo kale waxay ku biirtay dacwad ka dhan ah Israa’iil oo taal Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, taasoo ku eedeynaysa dalkaas inuu xasuuq ka wado Gaza.

Maraykanka 12ka Maarso 2025  Taageerada Mareykanka ee Falastiiniyiinta ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay abid, sida lagu ogaaday sahan cusub oo ay sameysay shirkadda Gallup.

Sida lagu caddeeyay sahanka, boqolkiiba 33 ee shacabka Mareykanka ah ayaa sheegay inay la safan yihiin Falastiiniyiinta, taasoo lix dhibcood ka sarreysa heerkii sannadkii hore, islamarkaana ah tii ugu sarreysay abid.

Dhanka kale, taageerada Israa’iil ee gudaha Mareykanka ayaa gaartay heerkii ugu hooseeyay ee 24-kii sano ee la soo dhaafay.

Kaliya 46 boqolkiiba dadka la waraystay ayaa sheegay inay la safan yihiin Israa’iil, xilli uu socdo weerarka Israa’iil ay ku hayso Gaza.

Taageeradan ayaa ah tii labaad ee ugu hooseysay abid, marka laga reebo tii la diiwaangeliyay 2001, xilli uu socday kacdoonkii labaad ee Falastiiniyiinta (Intifada).

Mareykanka ayaa taariikh ahaan taageero dheeraad ah u muujin jiray Israa’iil – oo loo arko xulafo dhow – marka loo eego Falastiiniyiinta, tan iyo markii Gallup ay bilowday ururinta xogtan 1989.

Celcelis ahaan, 65 boqolkiiba shacabka Mareykanka ayaa Israa’iil u arka si togan. Heerkii ugu hooseeyay ee taageerada Israa’iil wuxuu ahaa 45 boqolkiiba 1989, xilligii uu socday kacdoonkii koowaad (Intifada).

Sahanka Gallup wuxuu sidoo kale muujiyay in 40 boqolkiiba dadka Mareykanka ah ay taageersan yihiin sida Trump uu u maareeyay xaaladda Israa’iil iyo Falastiiniyiinta, taasoo laga yaabo inay la xiriirto kaalintiisa ku aaddan xabad-joojintii la gaaray.

Taageeradan ayaa hoos uga dhacday heerka guud ee taageerada madaxweynenimadiisa, oo ahayd 45 boqolkiiba.

Dimuqraadiyiinta vs Jamhuuriyiinta

Natiijooyinka sahanka waxay muujinayaan kala duwanaansho weyn oo u dhexeeya xisbiyada Dimoqraadiyiinta iyo Jamhuuriyiinta.

Jamhuuriyiinta ayaa si aad ah uga taageero badan Dimoqraadiyiinta marka loo eego Israa’iil (83 boqolkiiba vs 33 boqolkiiba). Halka Dimoqraadiyiinta ay si ka badan Jamhuuriga u taageeraan Falastiiniyiinta (45 boqolkiiba vs 18 boqolkiiba).

Tan iyo 2001, Jamhuuriyiinta iyo dadka madaxa bannaan (Independents) waxay si joogto ah u taageerayeen Israa’iil.

Si kastaba ha ahaatee, taageerada dadka madaxa bannaan ee Israa’iil ayaa haatan gaartay heerkii ugu hooseeyay ee laga diiwaangeliyo sahanka World Affairs.

Dimoqraadiyiinta waxay taageersanaayeen Israa’iil illaa 2022, markaasoo tiro isku mid ah ay la safatay labada dhinac. Balse wixii intaas ka dambeeyay, taageerada Dimoqraadiyiintu waxay u janjeertay dhinaca Falastiiniyiinta.

Hoos u dhaca taageerada Dimoqraadiyiinta ee Israa’iil waxaa markii hore loo aaneynayay siyaasadda midig-u-janjeerta ee hoggaanka Israa’iil, gaar ahaan xukuumadda Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu. Hase yeeshee, sannadihii ugu dambeeyay, taageeradoodu waxay sii hoos u dhacday.

Bishii Febraayo 2023, taageerada Dimoqraadiyiinta ee Israa’iil waxay hoos ugu dhacday 38 boqolkiiba, halka taageerada ay u hayaan Falastiiniyiinta ay kor u kacday 11 dhibcood, iyagoo gaaray 49 boqolkiiba – taasoo ahayd markii ugu horreysay ee ay Falastiiniyiintu ka heleen taageero ka badan Israa’iil dhinaca Dimoqraadiyiinta.

Siddeed bilood kadib, 7-dii Oktoobar 2023, weerarro ay hoggaaminayeen Xamaas oo ka dhacay koonfurta Israa’iil ayaa sababay dhimashada in ka badan 1,100 qof, halka 250 kale la afduubtay.

Taageerada Dimoqraadiyiinta ee Falastiiniyiinta waxay hoos u dhacday lix dhibcood bishii Febraayo ee xigay.

Si kastaba ha ahaatee, hal sano kadib, iyadoo ay sii socoto xaaladda bini’aadannimo ee Gaza, taageeradooda Falastiiniyiinta ayaa mar kale kor u kacday 16 dhibcood, taasoo markii ugu horreysay gaartay heerka aqlabiyadda.

Xalka laba dowladood

Sanado badan, xalka laba dowladood ayaa ahaa bartilmaameed ku jira wada-hadallada nabadeed, iyadoo la doonayo in la dhiso dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan. Gallup waxay cabbiraysay aragtida Mareykanka ee arrintan tan iyo 1999.

Tan iyo xilligaas, dad badan oo Mareykan ah ayaa taageeray in la dhiso dowlad madax-bannaan oo Falastiini ah oo ka dhalata Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza, marka loo eego kuwa kasoo horjeeda.

Sahanka ugu dambeeyay wuxuu muujinayaa in 55 boqolkiiba shacabka Mareykanka ay taageersan yihiin dhismaha dowlad Falastiini ah, halka 31 boqolkiiba ay kasoo horjeedaan, iyadoo 14 boqolkiiba aysan wax fikrad ah ka haysan.

Heerkan 55 boqolkiiba ee hadda taageera dhismaha dowlad Falastiini ah wuxuu la mid yahay xogta laga diiwaangeliyay tan iyo 2020, taasoo u dhaxaysay 52 boqolkiiba ilaa 55 boqolkiiba.

Ka hor 2020, inkasta oo taageerada Mareykanka ee xalka laba dowladood ay ka badnayd diidmada, haddana inta badan ma aysan gaarin heerka aqlabiyadda. Taageerada iyo diidmada waxay ugu ekaayeen marka loo eego 2015 iyo 2017.

Guud ahaan, dhismaha dowlad madax-bannaan oo Falastiini ah wali waxay haysataa aqlabiyadda shacabka Mareykanka, hase yeeshee, Dimoqraadiyiinta ayaa si aad ah uga taageero badan Jamhuuriga.

Wadahadallada xalka laba dowladood ayaa hadda hakad galay, tan iyo weeraradii 7-dii Oktoobar 2023.

Hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa weli la tacaalaya su’aalaha ku saabsan sida Israa’iil looga ilaalin doono weerarro mustaqbalka, doorka Xamaas ee Gaza, iyo sida loo maamuli doono Daanta Galbeed ee la haysto.

Sahanka ugu dambeeyay waxaa la sameeyay bishii Febraayo, xilligii uu socday xabbad-joojinta ku-meel-gaarka ah iyo is-weydaarsiga maxaabiista ee Israa’iil iyo Xamaas.

Sahanka wuxuu billowday hal maalin ka hor booqashadii Netanyahu ee Aqalka Cad, taasoo ay ku jirtay shir jaraa’id oo wadajir ah oo uu la yeeshay Trump.

Intii lagu guda jiray shirkaas jaraa’id 4-tii Febraayo, Trump wuxuu caddeeyay rabitaankiisa in Mareykanka uu “la wareego” oo dib u dhiso Marinka Gaza.

Muqdisho 12ka Maarso 2025 Hal maalin kadib markii Getachew Reda uu shaqada ka joojiyay saddex sarkaal oo sare oo taageersan garabka TPLF ee uu hoggaamiyo Debretsion Gebremichael, waxaa soo baxaya warar sheegaya in iska horimaadyo ciidan ay ka dhaceen goobo kala duwan oo ka tirsan gobolka Tigray.

Wararka ayaa tilmaamaya in khasaaro badan oo rayid ah laga soo wariyay Dega Hamus iyo qaybo ka mid ah caasimadda Mekelle, kadib markii garabka Debretsion uu qaaday weerar culus.

Madaxweynaha ku-meel-gaarka ah ee Tigray, Getachew Reda, ayaa saacado yar ka hor sheegay in “koox yar oo saraakiil ciidan ah” ay “sharciga gacantooda ku qaateen, ayna burburinayaan hay’adaha dowladeed ee gobolka Tigray,” taasoo, sida uu sheegay, gelisay gobolka xaalad khatar ah oo aan hore loo arag.

Wararka laga helayo ilo maxalli ah ayaa sheegaya in garabka Debretsion, oo uu hoggaaminayo General Masho Beyene, ay la wareegeen maamulka magaalada Adigrat.

Xafiisyada dowliga ah ee magaalada ayaa hadda gacanta ugu jira ciidamada Debretsion, hase yeeshee wali lama caddeyn karo in xubnaha maamulka ku-meel-gaarka ah ee magaalada la xiray ama la dilay.

Khasaaraha Mekelle iyo Adigudom

Getachew Reda ayaa Talaadadii sheegay in khasaaro badan laga soo sheegay Mekelle iyo Adigudom.

Isaga oo arrintan ka hadlayay, wuxuu yiri, “Waxaa jira khasaaro badan oo ka dhacay Adigudom iyo qaybo ka mid ah Mekelle. Weerarkan waa qeyb ka mid ah qorshe lagu doonayo in si sharci-darro ah xukunka loogu dhiibo garab ka mid ah TPLF, taasoo si toos ah uga hor imaanaysa rabitaanka shacabka Tigray iyo heshiiskii Pretoria.”

Wuxuu ugu baaqay dhinacyada saxiixay heshiiska Pretoria inay si degdeg ah uga falceliyaan xaaladda.

Sidoo kale, Getachew Reda ayaa ku andacooday in “xoogag shisheeye” – oo sida la fahamsan yahay uu ula jeedo ciidanka Eritrea – ay ku lug leeyihiin dhaq-dhaqaaqa garabka Debretsion ee Adigrat iyo qaybo kale oo ka mid ah Tigray.

Isagoo qoraal soo dhigay bartiisa warbaahinta bulshada, wuxuu yiri, “Waxaa jira sababo badan oo muujinaya in xoogag shisheeye ay isku dayayaan in ay ka faa’iidaystaan qalalaasahan si ay u sii xoojiyaan rabshadaha gobolka iyo guud ahaan deegaanka.”

Getachew Reda oo go’doon ku jira?

Warar aan la xaqiijin oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa sheegaya in Getachew Reda iyo xubno ka tirsan maamulkiisa ay go’doon ku yihiin magaalada Mekelle.

Dhawaan, Khamiistii, General Tsadkan Gebretensae, oo horey u soo noqday taliyaha guud ee ciidamada difaaca Itoobiya isla markaana taageersan maamulka ku-meel-gaarka ah ee Getachew Reda, ayaa maqaal uu ku qoray “Africa Report” ku sheegay in “dagaal ka dhex qarxa Itoobiya iyo Eritrea uu suurtagal yahay waqti kasta.”

Inkasta oo ay jiraan eedeymo sheegaya in saraakiisha milatariga ee taageersan garabka Debretsion – kuwaasoo sidoo kale lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen ganacsiga dahabka ee sharci-darrada ah iyaga oo u maraya Eritrea – ay si qarsoodi ah ula kulmeen dowladda Eritrea, haddana saraakiishan ayaa beeniyay eedeymahaasi.

Dowladda Federaalka oo weli aamusan

Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Abiy Ahmed wali kama hadlin xaaladda cakiran ee gobolka Tigray.

Dhanka kale, warar lagu faafiyay baraha bulshada ayaa sheegaya in gobollo ka mid ah Tigray, gaar ahaan bariga, oo taageersan maamulka ku-meel-gaarka ah, ay bartilmaameed u yihiin weerarka ugu dambeeyay ee garabka TPLF ee Debretsion, iyadoo wararka qaar ay xusayaan suurtagalnimada in Eritrea ay ku lug leedahay.

Waxaa sidoo kale soo baxay warar sheegaya in diyaarado aan duuliye lahayn (drones) ay sahminayaan Mekelle iyo deegaanada ku hareeraysan, hase yeeshee Getachew Reda ayaa la sheegay in uusan wax xog ah ka haynin arrintan.

WARARKA MAANTA 11ka Maarso 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yeey kufsadeen Imaaraadka? Yaase ka yimid Imaaraadka asagioo goonka iyo gacanta jaban tahay? Maxayse Imaaraadka u rabaa inay #Soomaaliya ku jabiyaan #Jabuuti oo u diiday dekkad heeshis qaldan ay Imaaraadka ku rabeen? Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” u diiday inuu dhiso Maxkammadda Dastuuriga ah? Maxuuse u diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho? Maxayse beesha caalamka ugu diiday lacagtii laga xanibay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” ? Yaase ka masuul ahaa in lacagtaas lagu shubo akoontooyin shaqsiyadeed Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub ee #Soomaaliya? Yaa noqon doona Xeer Ilaaliyha Guud ee cusub? Yaa noqon doona Hanti-Dhowraha cusub? Yaa diidi kara inaysan wadashaqayn dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada? Ha Wiqleyso! 

Muqdisho 11ka Maarso 2025 Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed ayaa sheegay in inta badan sahmintii shidaalka ee shirkadda Turkiga ay ka wadday Soomaaliya ay soo gabagabowday ayna suurta gal tahay dabayaaqada sanadkaan ama horaanta sanadka 2026 ay Soomaaliya markii ugu horeeysay ku dhawaaqdo inay shidaalkeedi soo saaraneyso.

Wareysi uu siiyay VOA-da ayuu ku sheegay in sahminta hadda ay ka socoto degaanada Mareeg iyo Xarardheere ayna u gudbi doonto xeebaha Degmada Hobyo ee Koonfurta Mudug, waxaana uu wasiirka carabka ku dhuftay in bisha April ay soo gaba gaboobi doonto sahminta markabka Turkiga uu kawado biyaha Soomaaliya.

Mar wax laga weydiiyay soo saarka shidaalka Soomaaliya iyo isbadalada Cimilada iyo amaanka sida ay isku saameyn doonaan ayuu wasiirka shaaca ka qaaday inay jiraan khubaro arrimahaasi ka shaqeeya oo durba ay wasaaradu diyaarisay si ay ula falgalaan.

Markab bilaabaya shidaal Qodista ayaa kusugan Badda Madow kaliya sugaya in sahminta ay soo dhamaato kadib ayuu usoo jiheeysan doonaa dhinaca Soomaaliya.

Ugu dambeeyn waxa uu Wasiirka Batroolka Soomaaliya uu xusay inay jireen caqabado ka horyimid sahminta shidaalka oo ay ugu weyn tahay maraakiibta sida sharci darada uga jilaabta biyaha Soomaaliya kuwasi oo shabaqyada ay tuurtaan ay dabooli jireen qalabka sahminta sameenaya.

Muqdisho 11ka Maarso 2025 Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay qaadi doonto howlgal weyn oo ka dhan ah Kooxda Al shabaab inta lagu guda jiro Bisha Barakeeysan ee Ramadaan.

Ra’iisul wasaaraha waxa uu xusay in shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qabaailka, Culuma’udiinka iyo waxgaradka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ku garab istaagaan ciidamada Dowladda dagaalka lagula jiro Kooxda Al shabaab.

Waxa uu shaaca ka qaaday in ummadda Soomaaliyeed ay la socoto Propaganda iyo wararka been abuurka oo uu sheegay inay yihiin kuwa ay ka dambeeyaan Kooxda Al shabaab ayna Dowladda diidan tahay in waxyaabaha aan u adeegeenin xasiloonida iyo amaanka dalka ay ka gacan bir uga hortagi doonto.

“Waxaan Maalmaha soo socda aan dadka Soomaaliyeed ku hoggaamin doonaa Dagaal toos oo aan waxba loola harin si Al shabaab meel la soo saaro.” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse.

Ugu dambeyntii waxa uu xusay inay jiraan cadow gudaha iyo dibadda ah oo Soomaalida dhexdoodi laisku adeegsanayo si aysan uga faaideysan kheyraadka dhulkeedi kujira iyo sidoo kale midnimadoodi.

Nairobi 11ka Maarso 2025  Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta soo qabanqaabiyay kulan afur ah oo uu la yeeshay Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin, iyo Xildhibaan Aadan Qoryooley oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, kaasoo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kheyre ayaa horey u joogay Nairobi, halka Fahad Yaasiin uu maanta tegay, isagoo qorsheynaya inuu halkaas ku soo bandhigo buug uu dhowaan qoray.

Fahad Yaasiin, Xasan Cali Kheyre, iyo Xildhibaan Aadan Qoryooley ayaa kulankan kaga wada hadlay xaaladda guud ee dalka iyo marxaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda iyo dagaalka Khawaarijta.

Fahad iyo Kheyre ayaa muddo saddex sano ah wada shaqeynayay xilligii Farmaajo, iyadoo ugu dambeyn xilka laga tuuray kadib markii uu isku dhacay Farmaajo iyo Kheyre.

Sida ay ilo-wareedyo xog ogaal ah u sheegeen Caasimada Online, kulankii galabta ay xubnahani ku yeesheen Nairobi wuxuu ku koobnaa is xogwareysi, iyadoo uusan jirin qorshe siyaasadeed oo weyn oo dhinacyadu isku garteen inay wada fuliyaan.

Dhowaan, Fahad Yaasiin oo bixiyay wareysi dheer ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, isagoo si weyn u dhaliilay hoggaaminta Xasan Sheekh, kana sheekeeyay arrimo dhowr ah oo uu ra’yigiisa ku cabiray.

Fahad ayaa hadda Nairobi u jooga inuu soo bandhigo buug uu ka qoray taariikhda wanaagsan ee Nabi Muxamed (NNKH), kaasoo uu dhowaan gabagabeeyay qormadiisa.

Muqdisho 11ka Maarso 2025  Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa ka hadlay dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan howlgalka ka socda Shabeellaha Dhexe iyo xubnaha Shabaab-ka ah ee soo galay deegaannada ay degto beeshiisa.

Sheekh Shariif ayaa caddeeyey in uu door ka qaadan doono dagaalka, isaga oo dowladda federaalka ku dhaliilay in aysan wax fursad ah u oggolaan mucaaradka si ay uga qeyb galaan dagaalka.

Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa dhaliilay dowladda federaalka, isagoo sheegay in aysan diyaarin qorshe ciidan oo looga hortegi karo weerarrada kooxda. “Dalkan ciidan kuma yara, laakiin hoggaan kuma jiro,” ayuu yiri.

“Ciidamada dowladda maanta tiro iyo hub kuma yara, laakiin haddii dagaalku dheeraado oo qaladaadka dhacaya aan la sixin, ciidanku waa daalaa, cadowguna wuxuu ka faa’iidaysanayaa dulduleelka jira. Waxaan aaminsanahay in ciidankeennu yihiin geesiyaal waayey garabkii ay u baahnaayeen,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif ayaa su’aal ka keenay sababta ay dowladda u ogaan weysay maalmaha ay Shabaab ka dhisayeen buundada deegaanka Oobaale oo hoos taga degmada Mahadaay, halkaas oo NISA xalay shaacisay in duqeyn lagu burburiyey.

Madaxweynihii hore, Sheekh Shariif, ayaa madaxda dowladda federaalka kula taliyey in dib loo abaabulo ciidamada, lana magacaabo saraakiil karti leh oo hoggaanka la wareega.

“Haddii aan dowladda talo siino waa nala dhibsadaa, haddii aan ka aamusnana waa nala dhibsadaa. Annaga iska daaye, dowladihii waaweynaa ee ciidankeena wax ka dhisay ayaa xogaha amni ee ay bixinayaan la dhibsaday oo aan la tixgelin kaalintooda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Shariif.

Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa sheegay in caburinta ay dowladda federaalku waddo ay gaartay heer ay kala fogaadaan dowladihii taageerayay dhismaha dowladnimada iyo qalabeynta ciidamada qaranka.

“Farriimaha amniga ee ay soo gudbiyaan dowladaha saaxiibadeen ah waa in lagu dhaqmaa, yaana dhinacyo kale loo fasirin. Wixii laga digayana waa in la iska ilaaliyo in ay dhacaan,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in dowladda ay ka gaabisay waxyaabo badan oo lagama maarmaan u ahaa dagaalka Khawaarijta, sida in loo gurmado ciidamo u baahnaa gurmad, in hub la siiyo ciidamada dagaalka ku jira, iyo in laga hortago Shabaab-ka ka gudbaya webiga oo buundo sameysanaya.

Muqdisho 11ka Maarso 2025 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku amartay dhammaan shirkadaha duulimaadyada caalamiga ah ee ka howlgala dalka inay bixiyaan xogta Rakaabka Hormarsan (API) iyo Diiwaanka Magacyada Rakaabka (PNR) laga bilaabo 31-ka Maarso 2025.

Go’aankan waxaa loogu talagalay in lagu xoojiyo amniga xuduudaha iyo la-dagaallanka khataraha ay ka mid yihiin argagixisada iyo dambiyada caalamiga ah, iyadoo la waafajinayo Xeerka Socdaalka Soomaaliya ee tirsigiisu yahay 9 ee 1966 iyo Qaraarrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) 2178 iyo 2396.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa uga mahadcelisay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya taageerada ay siisay hirgelinta tallaabadan muhiimka ah ee amniga.

Mareykanka ayaa muddo dheer ku daray xogta PNR nidaamyadiisa amniga, isaga oo aqoonsaday doorkeeda muhiimka ah ee ka hortagga argagixisada.

Qaadashada Soomaaliya ee siyaasaddan waxay sare u qaadi doontaa awoodda dalka ee baaritaanka rakaabka iyo la socodka dadka soo galaya, taasoo gacan ka geysan doonta sugidda amniga.

Soomaaliya ayaa wajahaysay caqabado amni oo ba’an, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida. Kooxdan ayaa ka faa’iidaysatay daciifnimada hay’adaha amniga, gaar ahaan xuduudaha dalka.

Hirgelinta shuruudaha API iyo PNR waa tallaabo qayb ka ah dadaalka caalamiga ah ee lagu xakameynayo dhaqdhaqaaqa dagaalyahannada ajnabiga ah, iyadoo hay’adaha caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin Qaramada Midoobay, ay dalalka ay khuseyso ugu baaqayaan inay hirgeliyaan nidaamyada xog-wadaagga amniga.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa hore u soo saartay digniino safar oo la xiriira Soomaaliya, iyada oo walaac xooggan ka muujisay halisaha argagixisada iyo dambiyada.

Arrintan ayaa xoojinaysa muhiimadda ay leedahay adkaynta xuduudaha. Siyaasadda cusub ee Soomaaliya ayaa la filayaa inay xoojiso kaabayaasha amniga iyo in ay gacan ka geysato la-dagaallanka khataraha ay wadaan Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee xagjirka ah.

Tallaabadan cusub ayaa waafaqsan heerarka caalamiga ah ee xakamaynta xuduudaha, taasoo sare u qaadi doonta awoodda Soomaaliya ee ogaanshaha iyo ka hortagga khataraha amniga.

Imaaraadka 11ka Maarso 2025  Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan ayaa shalay ku soo dhaweeyay Abu Dhabi Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo booqasho shaqo ku jooga Imaaraadka Carabta.

Kulan ay yeesheen labada hogaamiye ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, ahna Guddoomiyaha Maxkamadda Madaxtooyada, H.H. Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan, iyo Dhaxal-sugaha Dubai, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, ahna Wasiirka Difaaca, H.H. Sheikh Hamdan bin Mohammed bin Rashid Al Maktoum.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay dowladda Imaaraadka Carabta, kulanka oo ka dhacay Qasr Al Bateen ee Abu Dhabi, labada Madaxweyne ayaa is dhaafsaday salaamo iyo hambalyo ku aaddan bisha barakaysan ee Ramadaan, iyagoo Alle uga baryay horumar iyo barako sii kordha oo u gaar ah dalalkooda iyo shacabkooda.

“Wadahadalladu waxay diiradda saareen xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya Imaaraadka iyo Soomaaliya, iyagoo ka arrinsaday fursadaha lagu horumarin karo iskaashiga dhinacyada kala duwan, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo koboca iyo xasilloonida Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay wakaaladda wararka Imaaraadka Carabta ee WAM.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Imaaraadka Carabta taageerada joogtada ah ee uu siiyo horumarka Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee Imaaraadku ka ciyaaray sidii shacabka Soomaaliyeed u gaari lahaayeen yoolalkooda koboca, xasilloonida, iyo barwaaqada.

Ujeedka safarka Xasan Sheekh

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, Dowladda Soomaaliya oo ay soo wajahday dhaqaale-yari baahsan ayaa maalmo ka hor kaalmo lacageed weydiisatay dowladda Imaaraadka Carabta, iyadoo weliba codsigeeda ku dartay in degdeg looga soo jawaabo.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Imaaraadka ayaa la soo daahay jawaabtii, waxaana shalay safar qarsoodi ah ku baxay Madaxweyne Xasan Sheekh oo Imaaraadka aaday, si uu si toos ah u soo weydiisto waxa ay Soomaaliya ka rabto Imaaraadka.

Dowladda Soomaaliya ayaa Imaaraadka ka codsatay kaalmo dhaqaale oo degdeg ah iyo taageero militari oo duqeymo u badan, maadaama Khawaarijta Al-Shabaab ay soo qaaday weerar rogaal-celis ah.

Lacagta ay Soomaaliya Imaaraadka ka codsatay waa mid badan, waxaana baahiyaha ay qoratay ka mid ah dhaqaale ay u rabto ciidamada Danab oo Mareykanku taageeradii ka jartay iyo kab miisaaniyadeed; sidoo kale duqeymo iyo saanad militari ayey Soomaaliya weydiisatay Imaaraadka.

Ilo wareedyada xogtan siiyey Caasimada Online waxay xaqiijiyeen in Imaaraadku ka cagajiiday inuu ka soo jawaabo codsigii Soomaaliya, taasina ay sababtay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu safar degdeg ah ugu baxo Abu Dhabi.

Ma cadda, haddii safarka Xasan Sheekh wax ka beddelay jawaab la’aantii Imaaraadka Carabta.

WARARKA MAANTA 10ka Maarso 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxuu fashilay Fahad Yaasin, Taliyihii hore ee Nabad-Sugida? Maxuuse Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” ku guuldaraystay? Yaa beenloow tuug ah maanta? Maxay labada aqal ugu baaqeen inay fashilantay Xukuummadda Dan-Qaran ee Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” ? Maxuuse u diiday inuu dhiso #Maqaamka #Mudisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” ? Muuse u diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” ?

Maxayse beesha caalamka ugu diiday lacagtii laga xanibay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” ? Yaase ka masuul ahaa in lacagtaas lagu shubo akoontooyin shaqsiyadeed Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub ee #Soomaaliya? Yaa noqon doona Xeer Ilaaliyha Guud ee cusub? Yaa noqon doona Hanti-Dhowraha cusub? Yaa diidi kara inaysan wadashaqayn dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada? Ha Wiqleyso! 

Muqdisho 10ka Maarso 2025 Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in ay weli jiraan dad shacab ah oo la macaamilaya Al-Shabaab, inkastoo ay horey dhowr jeer dowladda uga digtay arrintaas.

Wasiirka Gaashaandhigga, ayaa sheegay in deegaanka Ceel Bacad ee Shabeellada Dhexe lagu arkay dad weli xiriir la leh kooxda Al-Shabaab, taasoo, sida uu sheegay, muujineysa in aan laga waantoobin la macaamilka kooxda.

Wasiirka ayaa xusay in, iyagoo aad uga taxaddaray in shacabka waxyeello soo gaarto, ay duqeyn la beegsadeen xubno sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaankaas.

Wasiirku wuxuu mar kale ku waragaliyay shacabka inay ka fogaadaan la macaamilka Al-Shabaab, isagoo ku booriyay in ay ka fogaadaan goobaha ay kooxdaasi ku sugan tahay, si looga badbaado waxyeello ka dhalan karta howlgallada milatari.

Maalmo kahor ayay ahayd markii Golaha Wasiirrada Soomaaliya ay shacabka ugu baaqeen inay si taxaddar leh uga dheeraadaan meelaha ay joogaan xubnaha Al-Shabaab, si looga fogaado waxyeello ka dhalan karta weerarrada ka dhanka ah argagixisada.

Dowladda federaalka ayaa sheegtay inay sare u qaadeyso howlgallada dhanka cirka iyo dhulka ee lagula dagaallamayo kooxda Al-Shabaab.

Muqdisho 10ka Maarso 2025  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay si buuxda ula garab taagan tahay shacabka Koonfurta Suudaan, iyadoo ay jirto xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay xarigga madaxda xisbiyada mucaaradka.

“Waxaan sii wadi doonnaa dadaallada lagu doonayo in lagu helo nabad iyo mustaqbal xasilloon oo ummaddooda ah,” Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sidaasi yiri markiii qadka taleefoonka kula hadlay madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir iyo madaxweyne ku xigeenka Riek Machar.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay in Soomaaliya ay walaac ka muujinayso xiisadaha ka taagan dalka koonfurta Suudaan isagoo ku booriyay wadahadal si looga hortago in ay sii xumaato.

“Xasiloonida Koonfurta Suudaan waxay udub dhexaad u tahay nabadda iyo ammaanka gobolkayaga ballaaran,” ayuu yidhi madaxweyne Xasan Sheikh.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u xaqiijiyey Kiir iyo Machar in ay ka go’an tahay Soomaaliya inay taageerto dadaallada horseedi doona xal nabadeed.

Xiisad Koonfurta Suudaan ayaa horraantii bishan ka taagneyd Koonfurta Suudaan markii ciidamada ammaanka ee daacadda u ah madaxweyne Silva Kiir ay xireen laba wasiir oo ka tirsan xukuumadda iyo dhowr sarkaal oo sare oo militari oo lala xiriirinayo hoggaamiyaha mucaaradka Riek Machar.

Xariga ayaa yimid ka dib markii iska hor imaadyo rabshado wata ay ku dhexmareen ciidamada qaranka iyo malayshiyaad ka soo jeeda qowmiyada Nuer ee Machar, ee waqooyiga magaalada Naasir.

Muqdisho 10ka Maarso 2025 Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin oo bixiyey wareysi dheer ayaa ka hadlay xaaladda dalka, isagoo si gaar ah qeybtaan diiradda ugu saaray siyaasadda Xasan Sheekh, wuxuuna ku qeexay “madaxweyne kusoo laabtay xukunka isagoo careysan.”

Fahad ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu hadda u dhaqmaayo sidii uu markii hore ka diiday Farmaajo, wuxuuna kula taliyey in ka hor 15-ka May 2026 uu ka shaqeeyo inaan loo baahnayn Badbaado Qaran kale.

Sidoo kale, Fahad ayaa ku dhaliilay Xasan Sheekh sababta uu saaxiibbadiis ugu kalsoonaa la’yahay oo talada dalka ay isaga keliya ugu soo aruurtay, taasoo sida uu sheegay sababtay in shaqadii dowladda ay xuuryaanto.

“Xasan Sheekh wuxuu xukunka kusoo laabtay isagoo careysan oo weliba isagu isku xanaaqsan; wuxuu go’aansaday inaan qof kale warkiisa uusan dhageysan oo wixii uu maago uu sameeyo,” ayuu yiri Fahad.

Fahad Yaasiin oo wareysigan siiyey Idaacadda Risaala ayaa la weydiiyey haddii ay jiraan wax u hagaagay Xasan Sheekh muddadii uu talada hayey, wuxuuna tilmaamay hal arrin, taas oo ah xulashadii Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

“Xulashada Xamsa xitaa waxay timid cuqdaddii uu qabay Xasan Sheekh, balse waa uu ku saxnaa. Waa wax aad u fiican in Ra’iisul Wasaaruhu uu ka amar qaato madaxweynihiisa, sababtoo ah ninka la doortay waa isaga, haddii wax halaabaanna isaga ayaa loo heystaa,” ayuu yiri Fahad.

Wuxuu hoosta ka xarriiqay inuu shaqada Ra’iisul Wasaare Xamsa uu aad ugu riyaaqay, marar badanna uu qoraal ku soo amaanay sida uu u fulinayo go’aannada madaxweynaha, khilaafkana uu uga dhowray dowladda.

“Madaxweyne magaaladiisa xabad u qaatay oo Mirinaayo galay Xasan Sheekh ayaa ka jira, tallaabadaas waa looga dayan doonaa, waana lagu sameyn doonaa markiisa haddii uu dadka siyaasadda kala dhaxeyso taas ku kalifo,” ayuu yiri.

Fahad ayaa madaxweynaha kula taliyey in ragga ka carooday uu hadda u yeero oo madaxa u salaaxo. “Madaxweyne, waxaan kugula talinayaa in wixii aad hore u diidday aadan hadda ku fekerin. Adigaa horay u yiri kursiga kadib nolol kale ayaa jirta; haddii calaf kuu jiro waad soo laabaneysaa, ee si aan habbooneyn wax haku raadin,” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Muqdisho 10ka Maarso 2025 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin culus oo la xiriirta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kuna socota laba dhinac.

Digniintan ayaa waxaa jeediyay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), wuxuuna u digay dadka la macaamila Khawaarijta iyo shacabka weli deggan goobaha ay ku sugan yihiin maleeshiyaadkooda.

Jaamac ayaa shaaca ka qaaday in dowladdu ay dhowr jeer digniinno ka soo saartay la tacaamulka Al-Shabaab iyo in laga fogaado goobaha ay joogaan, balse taasi aanay dhaqangelin, walina meelaha qaar laga arkayo in ay joogaan dad shacab ah.

Wasiirka ayaa si gaar ah u tilmaayay in deegaanka Ceel Bacad ee gobolka Shabeelaha Dhexe lagu arkay dad badan oo toos ula macaamilayo kooxaha Khawaarijta, isaga oo markale digniin adag u diray kuwa wali ku jira howlahaas.

Waxaa kale oo uu ku celiyay in bartilmaameed ay yihiin goobaha ay haatan ku dhuumaaleysanayaan xubnaha Shabaab, sidaas darteedna shacabka looga digayo in ay u dhawaadaan, si looga hortago waxyeelo kasoo gaarta weerarada iyo duqeymaha culus.

“Anagoo aad uga fogaaneyna in shacab waxyeelo ka soo gaarto duqeynta ayaa waxaan amiiro ka tirsan Khawaarijta ku duqeyney deegaanka Ceel Bacad, waxaan mar labaad Shacabka uga digeynaa in eysan Khawaarijta la macaamilin, ayna ka fogaadaan meelaha ay joogaan” ayuu yiri wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Shabeelaha Dhexe ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka argagixisada oo soo galay gobolkaasi.

Howlgalladan oo ay barbar socdaan duqeymo culus ayaa waxaa lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad tiro beel ah, waxaana ugu dambeeysay horjooge Yuusuf Dhegnaas iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta oo 20 kor u dhaafayay oo duqeyn lagu khaarijiyay.

Si kastaba, dagaallada socda ayaa waxaa iska kaashanaya dowladda Soomaaliya, dadka deegaanka iyo saaxibada caalamiga ah, si loo cuuryaamiyo kooxda Al-Shabaab

Muqdisho 10ka Maarso 2025  Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax culus oo maanta ka dhacay deegaanka Laba Garas ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, kaas oo gaystay khasaare kala duwan.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay waxyeello culus kasoo gaartay xubnihii Shabaab ee diyaarinayay oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in qarax jugtiisa si weyn looga maqlay aagga Laba Garas, kaas oo ay ku dhamaadeen Shabaabkii diyaarinayay, waxaana ku dhintay in ka badan 5 dagaalame, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Al-Shabaab ay doonayeen in qarax ay ku weerareen fariisimaha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Macawiisleda ee howlgallada culus ka wada gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle.

Laba Garas ayaa kamid ah deegaannadii ay soo galeen maleeshiyaadka Argagixisada ah waxaana sidoo kale haatan isku horfadhiyo ciidamada dowladda iyo xubnaha Shabaab.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan qaraxaas ay dhibaatada kasoo gaartay ee ka dhacay deegaanka Laba Garas ee Shabeelaha Dhexe.

Goobolkan ayaa galay xaalad adag, kadib markii ay culeys soo saartay Khawaarijta, waxaana haatan ka socda howlgallo ay iska kaashanayaan dowladda dhexe, HirShabelle iyo dadka deegaanka, iyada oo hawada ay ka taageeraya diyaaradaha saaxibada caalamiga ah.

Marar badan ayaa Al-Shabaab sidaan oo kale ay ugu dhammaadeen qaraxyo ay diyaarinayeen, waxaana kasoo gaaray khasaarooyin leh dhimasho iyo dhaawac.

Dhacdadii ugu dambeysay ayaa ka dhacday deegaanka Beerayabaal ee gobolka Hiiraan, kadib markii guri ay ku sugnaayeen Al-Shabaab uu qarax ka dhex dhacay, kaas oo la sheegay inay halaasi ku diyaarinayeen, waxaana ku dhintay illaa 6 dagaalame..

“Maleyshiyaad ka tirsan Khawaarijta ayaa ku geeriyooday Qarax ay sameynayeen xili ay ku sugnayeen guri ku yaala Degaanka Beera yabaal oo ka tirsan Gobolka Hiiraan” ayaa lagu yiri qoraal ay horay u shaacisay dowladda dhexe oo looga hadlay dhacdadaasi.

Waxaa kale oo jira qaraxyo kale oo ay ka hortageen ciidamada howlgalka wada oo dhowaan burburiyay baabuur ay qaraxyo kasoo buuxiyeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Waxaa soio duubay Risaala TV

WARARKA MAANTA 9ka Maarso 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa beenloow tuug ah maanta? Maxay labada aqal ugu baaqeen inay fashilantay Xukuummadda Dan-Qaran ee Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” ? Maxuuse u diiday inuu dhiso #Maqaamka #Mudisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” ? Muuse u diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” ?

Maxayse beesha caalamka ugu diiday lacagtii laga xanibay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” ? Yaase ka masuul ahaa in lacagtaas lagu shubo akoontooyin shaqsiyadeed Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub ee #Soomaaliya? Yaa noqon doona Xeer Ilaaliyha Guud ee cusub? Yaa noqon doona Hanti-Dhowraha cusub? Yaa diidi kara inaysan wadashaqayn dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada? Ha Wiqleyso! 

Muqdisho 9ka Maarso 2025 Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa sheegay in doorashooyinka dadban ee dalka lagusoo maamulayay ay dhaawac weyn u geysteen kalsoonida caalamka ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa xusay in lagama maarmaan ay tahay in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah, si shacabka Soomaaliyeed fursad buuxda loogu siiyo doorashada hoggaankooda.

Isagoo ka hadlayay arrimaha doorashooyinka, Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu tilmaamay in aanay macquul ahayn in Soomaaliya mar kale kusoo laabato nidaamka doorasho dadban, isagoo hoosta ka xariiqay in beesha caalamka aysan diyaar u ahayn inay la shaqeyso dowlad ku timaada nidaam aan la saadaalin karin natiijadiisa.

“25 sano doorasho dadban ayaan joognaa, masii joogi karno, macquulna ma ahan, mana nala aqbalayo. Caalamku nama aqbalayo inaan sidaas dowlad ku ahaano oo nagula macaamilo. Waxay na leeyihiin, ma naqaano waxay ka shaqeynayaan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh.

Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in dowladdu ka go’an tahay fulinta ballanqaadkeedii ahaa in dalka laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah, taasoo kor u qaadeysa sida uu sheegay hufnaanta iyo cadaaladda doorashooyinka.

Waxa uu xusay in dalka uu yeelan doono saddex xisbi qaran, loona baahan yahay in muwaadiniintu ku biiraan xisbiyadaas.

Kenya 9ka Maarso 2025 Xisbiga talada haya ee Kenya iyo kan mucaaradka ugu weyn ayaa kala saxiixday heshiis labada dhinacba qayb uga noqon doonaan go’aan-qaadashada siyaasadaha muhiimka ah ee dowladda, tallaabo ay dadka dhaliilayaa ku tilmaameen isku day lagu aamusinayo mucaaradka.

Madaxweyne William Ruto iyo hoggaamiyaha mucaaradka ugu weyn Raila Odinga ayaa heshiiska saxiixay Jimcihii, iyadoo taageerayaashoodu dibadbax ku sameeyeen caasimadda Nairobi.

Odinga, oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Orange Democratic Movement, ayaa sheegay in heshiiska Jimcaha uusan ahayn “isbahaysi siyaasadeed cusub,” balse uu yahay heshiis gacan ka geysanaya “dhismaha dalka.”

Ruto, oo hoggaamiya xisbiga talada haya ee United Democratic Alliance, ayaa sheegay in hoggaamiyayaashu had iyo jeer qaataan go’aanno “siyaasad ahaan sax ah,” balse aan faa’iido u lahayn dadka Kenya. Waxa uu ammaanay Odinga oo uu sheegay inuu had iyo jeer qaato “go’aanno adag” oo danta dadka kale ee Kenya laga leeyahay.

“Marka asal ahaan ma jiro mucaarad baarlamaanka Kenya ku jira?” ayay siyaasiga falanqeysa arrimaha siyaasadda Nanjala Nyabola ku soo qortay X.

Hoggaamiyaha mucaaradka ee xisbiga Wiper Democratic Party, Kalonzo Musyoka, ayaa bartiisa X ku soo qoray in heshiiska Jimcuhu yahay “khiyaanadii ugu weynayd ee loo geysto shacabka Kenya.”

Waa markii afaraad ee Odinga—oo shan jeer looga guuleystay doorashada—uu heshiis la galo madaxweyne talada haya.

Odinga iyo Ruto ayaa sheegay in heshiiskoodu aanu ahayn mid xilalka dowladda lagu qaybsanayo, balse uu yahay hannaan loogu talo galay wada-tashiga arrimaha taabanaya dadka Kenya.

Odinga ayaa sheegay in heshiisku uu “ka caawin doono in xiisadda ka jirta dalka la qaboojiyo,” isagoo intaas ku daray in mucaaradku fahmeen inaan ku filneyn “in dhinac laga istaago oo la dhaliilo oo keli ah.”

“Waxaan ballanqaadnay inaan si joogto ah uga wadahadallo arrimaha taagan,” ayuu yiri Odinga.

Mucaaradka Kenya ayaa lagu dhaliilay inay aamuseen xilli dowladdu kordhisay canshuuraha isla markaana ay si xoog leh ula dhaqantay dhallinyaro mudaaharaad ku dhigayay dowladda bishii Juun 2024.

Bishii Febraayo, Odinga ayaa isku soo taagay xilka guddoomiyaha Midowga Afrika, balse waxaa ka guuleystay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Mahmoud Ali Youssouf, tallaabo shaki gelisay mustaqbalka siyaasadeed ee Odinga.

Suuriya 9ka Maarso 2025 Tirada dhimashada laba maalmood oo iska horimaadyo ay dhex marayeen ciidamada ammaanka ee Suuriya iyo maleeshiyaadka daacadda u ah madaxweynihii xilka laga tuuray ee Bashar Assad, iyo dilal aargoosi ahaa oo ka dambeeyay ayaa dhaaftay in ka badan 1,000 qof, sida uu Sabtidii sheegay urur la socda colaadda dalkaas.

Dhacdadan ayaa kamid ah kuwii ugu dhimashada badnaa tan iyo markii dagaalka Suuriya billowday 14 sano kahor.

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Suuriya (Syrian Observatory for Human Rights), oo xarunteedu tahay Britain, ayaa sheegtay in dadka dhintay ay ku jiraan 745 qof oo rayid ah oo badankoodu si dhow loo toogtay, 125 askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka dowladda iyo 148 dagaalyahan oo ka tirsan kooxaha hubeysan ee taabacsan Assad.

Waxaa kale oo ay sheegtay in adeegyada korontada iyo biyaha la cabbo laga jaray qeybo badan oo ka tirsan magaalada Latakia iyo nawaaxigeeda.

Iska horimaadyada oo Khamiistii qarxay ayaa tilmaamaya heer cusub oo xasaradeed oo soo wajahay dowladda cusub ee Dimishiq, saddex bilood kadib markii fallaagooyinku ay xilka ka tuureen Madaxweyne Assad.

Dowladda ayaa sheegtay inay jawaab ka bixineysay weerarro ay ku eedeeyeen ciidamadii hore ee Assad, iyadoo xustay in rabshadahaasi ay ahaayeen falal shakhsiyeed oo aan nidaamsaneyn.

Dilalka aargoosiga ah ee Sunniga iyo Calawiyiinta

Dilalka aargoosiga ah oo Jimcihii ay bilaabeen maleeshiyaadka Sunniga ah ee daacadda u ah dowladda cusub, laguna bartilmaameedsaday xubnaha qowmiyadda laga tirada badan yahay ee Calawiyiinta ee taabacsan Assad, ayaa dhabarjab weyn ku ah kooxda Hayat Tahrir al-Sham, oo hoggaamisay afgembigii lagu riday xukuumaddii hore.

Calawiyiinta ayaa muddo tobannaan sano ahaa saldhigga ugu weyn ee taageerada Assad.

Dadka ku nool tuulooyinka iyo magaalooyinka ay deggan yihiin Calawiyiintu ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP in maleeshiyaadka Sunniga ahi ay dilal u geysteen dad badan oo Calawiyiin ah, intooda badan rag ah, kuwaas oo lagu toogtay waddooyinka iyo iridda guryahooda hortooda.

Laba qof oo ka tirsan dadka deegaanka gobolka xeebta ayaa sidoo kale AP u sheegay in guryo badan oo Calawiyiin leeyihiin la dhacay kadibna dab la qabadsiiyay.

Waxay codsadeen inaan magacyadooda la shaacin iyagoo ka baqaya in maleeshiyaadku ay dilaan. Waxay sheegeen in kumannaan qof ay u qaxeen buuraha si ay badbaado u helaan.

Dadka deegaanka oo ka hadlay tacaddiyo dhacay

Dadka magaalada Baniyas, oo kamid ahayd meelihii ugu darnaa ee rabshaduhu ka dhaceen, ayaa sheegay in meydadku ay yaalleen waddooyinka, qaarkoodna laga tagay gudaha guryaha iyo saqafyada dhismayaasha iyadoon la aasin karin.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in maleeshiyaadku ay dadka deegaanka ka horjoogsadeen inay qaadaan meydadka shan qof oo deriskooda ahaa oo Jimcihii la dilay.

Ali Sheha, oo 57 jir ah kana mid ah dadka ka qaxay magaalada Baniyas isaga iyo qoyskiisa saacado un kadib markii rabshaduhu qarxeen Jimcihii, ayaa sheegay in ugu yaraan 20 kamid ah deriskiisa iyo asxaabtiisa xaafadda ay ku badan yihiin Calawiyiinta lagu dilay dukaamadooda ama guryahooda.

Sheha ayaa dilalkaas ku tilmaamay “dilal aargoosi ah” oo looga aar-gudanayo dambiyadii ay galeen maamulka Assad. Dad kale oo deegaanka ah ayaa sheegay in maleeshiyaadka weerarrada fuliyay ay kamid ahaayeen dagaalyahanno ajaanib ah iyo kuwa ka yimid tuulooyin iyo magaalooyin ku dhow.

“Xaaladdu aad ayay u xumayd. Meydadku waddooyinka ayay daadsanaayeen,” ayuu yiri Sheha oo telefoon kaga hadlay meel 20 kiiloomitir (12 mayl) u jirta magaalada.

Wuxuu sheegay in maleeshiyaadku ay gurigiisa u jireen wax ka yar 100 mitir, iyagoo si aan kala sooc lahayn rasaas ugu furayay dadka deegaanka.

Waxa uu sheegay dhacdooyin uu arkay oo ay maleeshiyaadku dadka ka codsadeen aqoonsigooda si loo hubiyo diinta iyo qabiilka qofka kahor inta aysan dilin. Guryo badan ayaa sidoo kale la dhacay lana gubay, halka gaadiid iyo hanti kalena la dhacay, ayuu intaa ku daray.

Tirada dhimashada oo sii korortay

Rami Abdurrahman, madaxa Hay’adda la socodka Xuquuqda Aadanaha, ayaa sheegay in dilalkii aargoosiga ahaa ay joogsanayeen aroornimadii hore ee Sabtida.

“Tani waxay ahayd mid kamid ah xasuuqyadii ugu xumaa intii uu socday dagaalka Suuriya,” ayuu yiri Abdurrahman, isagoo ka hadlayay dadka rayidka ah ee Calawiyiinta ah ee la dilay.

Sabtidii ayaa sidoo kale meydadka 31 qof lagu aasay xabaal-wadareed, kuwaas oo lagu dilay rabshadaha magaalada Baniyas. Waxaa la sheegay in meydadka ay ahaayeen 31 qof oo u badan Calawiyiin.

Warbaahinta dowladda Suuriya ayaa soo xigatay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga oo sheegay in ciidamada ammaanku ay dib u qabteen inta badan goobihii maleeshiyaadku qabsadeen.

Waxaa sidoo kale la xiray dhammaan waddooyinka soo gala gobolka xeebta si looga hortago rabshadaha iyo in si tartiib-tartiib ah loo soo celiyo xasilloonida.

Xildhibaan Lubnaani ah oo lagu magacaabo Haidar Nasser ayaa sheegay in dad badan oo reer Suuriya ahi ay u qaxeen Lubnaan si ay nabadgelyo u helaan. Waxa uu sheegay inuusan haynin tiro sax ah oo dadka qaxay ah.

Faransiiska ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku aaddan rabshadaha ka socda Suuriya, isagoo si adag u cambaareeyay xasuuqa shacabka loo geystay, wuxuuna ugu baaqay maamulka cusub ee Dimishiq inay fuliyaan baaris madax bannaan oo degdeg ah.

Muqdisho 9ka Maarso 2025Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay kulan ku maamuusay haldoorka haweenka Soomaaliyeed, munaasabad 8-da Maarso oo ah Maalinta Haweenka Adduunka awgeed, wuxuuna ka hadlay dagaalka Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si qoto dheer u sharraxay kaalinta muhiimka ah ee haweenka Soomaaliyeed ay ka qaadanayaan dagaalka lagula jiro kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in haweenku ay yihiin udub-dhexaadka bulshada, isla markaana ay si toos ah uga qayb qaataan dadaallada lagu xoreynayo dalka.

Wuxuu sheegay inay ka shaqeeyaan wacyi-gelinta, taageerada ciidamada, iyo dhisidda bulshada deegaannada laga xoreeyey argagixisada, isagoo aad ugu mahadceliyey.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa bogaadiyey doorka haweenka Soomaaliyeed ee ku aaddan geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo xoreynta dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in haweenka Soomaaliyeed ay si firfircoon uga qayb qaataan hannaanka doorashooyinka tooska ah ee qof iyo codka ah, oo dowladda Soomaaliya ay dhexda u xiratay inay hirgeliso.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in doorashada dadweynaha ay fursad u siinayso bulshada inay codkooda dhiibtaan, u tartamaan xilalka qaranka, isla markaana ay door muuqda ku yeeshaan hoggaanka dalka.

Hadalka Madaxweynaha wuxuu ku soo aadayaa iyadoo Al-Shabaab ay soo qaadeen weerarro rogaal-celis ah, kuwaas oo culeys badan soo saaray gobolka Shabeellaha Dhexe, lana wareegay deegaanno muhiim ah.

Somaliland 9ka Maarso 2025 Madxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo war cusub soo saaray ayaa qaaday tallaabo la xiriirta dagaalkii maalin kahor ay SSC-Khaatumo kula galeen deegaanka Buqdharkayn ee gobolka Sool.

Ugu horreyn Cirro ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalkaasi oo dhacay iyada oo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, wuxuuna tilmaamay inay ka dambeysay SSC-Khaatumo.

“Waan ka xumahay duullaankii gardarrada ahaa ee lagu soo qaaday deegaan nabad u jooga. Sidaanu ballanqaadnay, qaranka waanu difaacaynaa,” ayuu yiri C/raxmaan Cirro.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ka jawaabi doonaan gar-darro kastaiyo haddii weerar lagu soo qaado, ayna difaaci doonaan Somaliland iyo dadkeeda.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale ku celiyay inay dhinaca kale baadi goobi doonaan nabadda, ayna sii wadi doonaan wada-hadallada xal raadinta ah.

“Sidaanu ballanqaadnay, qaranka waanu difaacaynaa, balse dagaal meel lagu soo qaaday naga leexinmayo in aanu nabadda doonnno. Nabadda waanu wadaynaa, difaacana waanu adkaynaynaa” ayuu markale yirhi Madaxweynuhu.

Dhankeeda SSC ayaa horay sidaan oo kale uga hadashay dagaalka, waxayna mas’uuliyadda dhabarka u saartay xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Cirro.

Xaaladda ayaa weli kacsan, iyada oo labada maamul ay saaka dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ay ka wadaan aagga Buqdharkayn oo ah halka uu dagaalka ka dhacay.

Dagaalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo dhowaan ka dhacay Ceerigaabo oo ay isku fara saareen labada dhinac, kaas oo dhaliyay khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac.

Si kastaba SSC ayaa dooneyso sidii ay u qabsan lahayd deegaanno ay sheegtay inay ka maqan yihiin, halka Somaliland ay iyana rabo inay isku fidiso Sool iyo Sanaag oo ay isku hayaan labada maamul, waxaana dagaalkan uu kasoo bilowday magaalada Laascaanood oo hadda fadhi u ah maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo ee uu hoggaamiyo Firdhiye.

WARARKA MAANTA 8da Maarso 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxay beesha caalamka ugu baaqday inuu iscasilo Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” Maxuuse Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”  u diiday inuu sameeyo #Maqaamka #Muqdisho? Maxayse yiniin wefdiga ay #Dowladda #Soomaaliya u dirtay #Baydhabo? Maxayse beesha caalamka ugu diiday lacagtii laga xanibay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” ? Yaase ka masuul ahaa in lacagtaas lagu shubo akoontooyin shaqsiyadeed Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” ? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub ee #Soomaaliya? Yaa noqon doona Xeer Ilaaliyha Guud ee cusub? Yaa noqon doona Hanti-Dhowraha cusub? Yaa diidi kara inaysan wadashaqayn dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada? Ha Wiqleyso! 

Muqdisho 8da Maarso 2025 Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in fadhi ay yesheen Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Soomaaliya oo uu wehliyay Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya iyo guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka JFS iyo guddi matalayay Culimada Soomaaliyeed. Guddigaan ka socday Culimada Soomaaliya ayaa dhowaan waxa warbaahinta gudaha ay u sheegeen inay si weyn uga walaacsan yihiin qodobo dhowr ah oo ku jira xeerka Maaliyadaha Dalka ee horyaala Baarlamaanka, waana tan soo dadajisay in Wasiirka Maaliyadda iyo Gudoomiyaha Bangiga dhexe ay la fadhiistaan Guddigaan.

Ujeedka kulanka ayaa waxa uu ahaa sidii culimadda Soomaaliyeed looga talo gelin lahaa qodobada Xeerka hay’adaha maaliyadda Dalka ee sharci Lr 130 oo soo baxay 22-kii April, 2012.

Waxaana inta kulanka uu socday guddiga maaliyadda ee Golaha Shacabka oo ay wehliyeen wasaaradda maaliyadda iyo bankiga dhexe ee Dalka iyo sidoo kale culimada Soomaaliyeed isku raaceen in la waafajiyo mabaadii’da sharceecada islaamka iyo maslaxada ummadda soomaaliyeed.

Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in Xeerka hay’adaha maaliyadda uu yahay xeer hore u jiray balse hada wax ka bedel lagu sameeyay, isaga oo tilmaamay in xeerkan uu soo maray marxalado kala duwan hadana talooyinka culimada Soomaaliyeed ay muhiim tahay in la tixgaliyo.

Muqdisho 8da Maarso 2025 Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa guulo ka sheegatay dagaal saacadahii lasoo dhaafay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka iyo kooxda Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Boos hareeri ee gobolka Shabeellaha Dhexe. War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in dagaalka lagu dilay ilaa 20 xubnood oo ka tirsana kooxda Al-shabaab, kadib markii deegaanka Boos hareeri ay kusoo qaadeen kooxda weerar xogtiisa ay sii hayeen ciidamada.

“Ciidamada oo ka war qabay weerarka khawaarijta ayaa ka hortagay, iyagoo dhirbaaxo adag ku dhuftay argagixisadi la soo qalday, Inta uu socday dagaalka waxaa lagu dilay 20 dhagarqabe oo isugu jiray horjoogayaal sare iyo maleeshiyaad” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.

Qoraalka kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada is kaashanaya ay gacanta ku dhigeen gaadiid iyo saanad ciidan oo ay wateen kooxda Al-shabaab ee weerarka ku qaaday Boos hareeri.

Weerarkaan khasaaraha lagu gaarsiiyay kooxda ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay Al-shabaab ay si weyn u kordhisay weerarada ay ku qaadeysay qaar ka mid ah deegaanada iyo degmooyinka gobolka Shabeellaha Dhexe.

Somaliland 8da Maarso 2025 Somaliland ayaa saaka xukun qisaas ah ku fulisay laba gacan ku dhiigle oo dhowaan lagu xukumay dil toogasho ah, kadib markii lagu helay dilal ka gaysteen deegaannada maamulkaasi.

Toogashada ayaa ka dhacday duleedka Xabsiga Mandheere, waxaana ragga la toogtay shalay dilkooda saxiixay madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cirro, iyada oo sidaasna lagu geeyay tiirka cadaaladda.

Mid kamid ah ragga saaka la qisaasay oo ahaa askari ayaa dilay taliyihii saldhigga booliska Maxamed Mooge Marxuum Gaashaanle Cabdi Cali Nuur, oo ka mid ahaa saraakiisha firfircoon ee Booliska Somaliland, isaga oo dilka u adeegsaday toorey.

Askariga dilka geystay ayaa waxaa taliyihiisa kala dhaxeeyay khilaaf hoose, isaga oo kaddib si gaadmo ah toorrey ugu dhuftay. Taliyaha ayaa markii dambe u geeriyooday dhaawac.

Sidoo kale gacan ku dhiiglaha labaad ee isna laa toogtay ayaa ahaa askari, wuxuu isna horay u dilay askari ka tirsanaan jiray Ciidanka Nabad-gelyada Waddooyinka ee gobolka Gabiley, falkaas oo isna hadal heyn ka dhex dhaliyay baraha bulshada.

Ehellada marxuuminta ayaa dhaweeyay qisaasta lagu fuliyay gacan ku dhiigleyaasha, madaama ay cadaaladda marsiisay xukuumadda Somaliland.

Horay Somaliland ayaa sidaan oo kale toogasho ugu fulisay dambiileyaal kala duwan oo dilal ka gaystay deegaanada maamulkaasi, waana arrin loogu bogaadiyay, maadaama  lagu kala baxayo cadaaladda iyo go’aannada ay soo saaraan maxkamadaha.

Suuriya 8da Maarso 2025 Mid ka mid ah kormeerayaasha dagaalka Suuriya ayaa sheegay in iska hor imaad labo maalmood socday oo u dhaxeeyay ciidamada ammaanka Suuriya iyo rag hubeysan oo daacad u ah madaxweynihii hore ee xukunka laga tuuray Bashaar Al-asad ay ku dhinteen dad ka badan 200 oo qof.

Iska horimaadyadan oo ka socda deeganada xeebaha ee Suuriya ayaa ah kuwii ugu xumaa ee dalkaasi ka dhaca tan iyo markii kooxaha fallaagada ah ee ay hogaaminayaan kooxda Islaamiga ah ee Hayat Taxriir al-Sham ay xukunka ka xayuubiyeen Bashaar Al-Asad horaantii bishii December ee sanadkii hore.

Subaxnimadii Jimcahii shalay , ciidamo badan oo Suuriyaan ah oo hoos taga maamulka cusub ee Islaamiyiinta ayaa la geeyay ,magaalada Latakia, halkaas oo bandow lagu soo roggay, dadka rayidka ah lagu amray inay guryahooda ku ekaadaan.

Kooxda la socota xuquuqda bini’aadanka ee Syria oo fadhigeedu yahay Britain ayaa ku warameysa in duleedka magaalooyinka xeebaha ay weli gacanta ku hayaan ciidamada daacadda u ah Asad. Ciidamadan waxaa kaloo ay weli gacanta ku hayaan magaalada Qardah ee ku taal buuraleyda ku teedsan xeebaha, oo ah halkii uu ku dhashay Bashaar Al-asad.

Ethiopia 8da Maarso 2025  Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) ayaa kumanaan askari ku daabulay magaalada xuduudda ku taalla ee Feerfeer, ayaga oo ku soo wajahan si ay uga qeyb qaataan howlgallada militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe ee Soomaaliya.

Daabulaadda ciidamadan ayaa timid maalmo un kaddib markii diyaaradaha dagaalka Itoobiya ay duqeeyeen bartilmaameedyo Al-Shabaab oo ku yaalla Shabeellaha Dhexe, sida uu Khamiistii xaqiijiyay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

Wasiirka, oo la hadlay Telefishinka Qaranka Soomaaliya (SNTV), ayaa sheegay in duqeymaha ay Itoobiya ka fulisay Soomaaliya ay heleen oggolaansho rasmi ah oo ka yimid dowladda federaalka, taasoo muujineysa iskaashi dhow oo dhanka amniga ah oo ka dhaxeeya Muqdisho iyo Addis Ababa. Si kastaba ha ahaatee, ma uusan bixin faahfaahin la xiriirta khasaaraha ama burburka ay geysteen duqeymahaas.

Iskaashigan amni ee dib loo cusbooneysiiyay ayaa yimid kaddib markii xiriirka labada dal uu soo hagaagay, ka dib khilaaf sannad socday oo salka ku hayay heshiiskii muranka dhaliyay ee Itoobiya ay la gashay Somaliland ee la xiriiray marin badeed helista.

Iskaashigan cusub ee militari wuxuu muujinayaa isbeddel istiraatiiji ah oo ay labada dal sameynayaan si ay u xakameeyaan dib usoo kabashada Al-Shabaab ee bartamaha Soomaaliya.

Keenista ciidanka Itoobiya ee Feerfeer iyo duqeymihii ugu dambeeyay waxay muujinayaan mowqifka adag ee Itoobiya ay ka qaadaneyso sidii ay uga hortagi lahayd in saameynta Al-Shabaab ay u gudubto gudaha dhulkeeda.

WARARKA MAANTA 7da Maarso 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa amray inay Ciidanka Cirka Itoobiya duqeeyaan gudaha #Soomaaliya Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Maxayse tahay sababta uu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” u amray in la duqeeyo dhulka ay degan yihiin beesha Hawiye?  Maxuu ku fashilmay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” ? Maxuuse Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”  u diiday inuu sameeyo Maxkammad Dastuuriga ah? Maxuuse Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”  u diiday inuu sameeyo #Maqaamka #Muqdisho? Maxayse yiniin wefdiga ay #Dowladda #Soomaaliya u dirtay #Baydhabo? Maxayse beesha caalamka ugu diiday lacagtii laga xanibay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” ? Yaase ka masuul ahaa in lacagtaas lagu shubo akoontooyin shaqsiyadeed Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” ? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub ee #Soomaaliya? Yaa noqon doona Xeer Ilaaliyha Guud ee cusub? Yaa noqon doona Hanti-Dhowraha cusub? Yaa diidi kara inaysan wadashaqayn dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada? Ha Wiqleyso! 

Muqdisho 7da Maarso 2025 Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur, ayaa xaqiijiyay in diyaaradaha dowladda Itoobiya ay duqeymo ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Dhexe. Wasiirka ayaa sheegay in diyaaraduhu gantaalo la dhaceen deegaanada ay ku sugan yihiin kooxda Alshabaab, balse ma sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay duqeymahaas.

Isagoo la hadlayay warbaahinta qaranka, Wasiirku wuxuu sheegay in duqeymaha ay fuliyeen ciidamada Itoobiya ay ahaayeen kuwo ay hagaysay dowladda Federaalka. Wuxuu xusay in aanay suurtagal ahayn in duqeymo laga fuliyo gudaha Soomaaliya iyada oo aan dowladda la ogeysiin.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu caddeeyay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen iskaashi amni, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo xusay in heshiiskii Ankara uu qeexayo wadashaqeynta labada dal ee dhinaca amniga.

Si kastaba ha ahaatee, dhawaan ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay ogolaatay in ciidamada Itoobiya ay ka qeyb noqdaan howlgalka cusub ee AUSSOM. Hase yeeshee, lama arag ciidanka Itoobiya  oo horey uga fuliyay gobolka Shabeellada Dhexe.

Muqdisho 7da Maarso 2025  Deegaanka Labogaras oo hoos taga degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa mar kale maanta lagu laayey kooxda Al-Shabaab, kadib markii ciidamada deegaanka oo iska socda ay ka soo dul-dhaceen Shabaab badan oo geedo harsanaya.

Dagaalkii ugu cuslaa oo galabta afurkii la isla soo gaaray ayaa dhacay, waxaana laga adkaaday Al-Shabaab oo halkaas lagu laayey, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiishii hogaamineysay howlgalka.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa ku soo biiray dagaalka, waxayna garab siiyeen ciidamada macawiisleyda deegaanka Labogaras, oo dagaalka bilaabay.

Kooxda Al-Shabaab oo soo gashay Shabeellaha Dhexe, si weyna uga dagaalantay deegaano muhiim ah oo ay qaar qabsadeen ayaa dooneysa inay soo gaarto xeebta, balse waxaa ka hor tegay ciidamada maanta weeraray.

Sidoo kale, maanta waxaa howlgalka ku biiray oo degmada Raageceelle gaaray ciidamo ay hoggaaminayaan xildhibaano ka tirsan golaha shacabka iyo saraakiil ka baxday Muqdisho, kuwaas oo xalay ka dheelmaday Muqdisho.

Xildhibaano badan oo ka soo jeeda Beesha Abgaal ayaa xalay baxay, halka caawa iyo habeen dambe ay baxayaan inta kale, dhamaan xildhibaanada beesha Abgaal ayaa iska xaadirinaya furimaha dagaalka, si ciidamada ay u hoggaamiyaan, una garab istaagaan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgalka hoogaaminaya, waxaana Al-Shabaab loo qorsheeyey in Shabeellaha Dhexe aysan dhinac uga bixin oo lagu laayo maalmaha soo socda, kadib markii looga diyaar garoobay dhinac kasta.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta soo saaray go’aano amni oo ka dhan ah kooxaha Khawaarijta ah, iyagoo bogaadiyey guulaha ay gaarayaan ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka oo howlanka ciribtirka kooxda Al-Shabaab oo soo laba kacleysay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo Xildhibaanada ka soo jeeda Shabeellaha Dhexe furinta u diray ayaa sidoo kale saraakiisha ciidamada faray in kooxda lagu soo afjaro deegaanada ay soo galeen, si natiijo looga gaaro dagaalka argagixisada ee ka socda gobollada dhexe.

Muqdisho 7da Maarso 2025 Siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa soo saaray labadii maalin ee ugu danbeeyey baaqyo ay ku dalbanayaan in xaaladaha amni ee dalka wax laga beddelo.

Mas’uuliyiinta mucaaradka ah oo isugu jira Madaxweynayaal hore, Ra’iisal Wasaarayaal iyo Wasiiro oo lagu daray maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa soo saaray baaqyo kala duwan oo xambaarsan laba fariimood oo isku mid ah.

Fariinta koowaad ayeey masuuliyiintani ku barbar istaageen ciidamadda kala duwan ee dagaalka kula jira argagixisada furimaha kala duwan ee dalka, waxayna dadka Soomaaliyeed ugu baaqeen inay taageeraan hawlgalada ka dhanka Alshabaab iyo Daacish ee ka socda Puntland iyo Hirshabeele.

Marka laga soo tago taageerada ay u muujinayaan ciidamada iyo hawlagalada lagula dagaalamayo argagixisada, waxay madaxda mucaaradku fariimahooda ku dareen walaac ay ka muujiyeen xaalka dalka uu marayo iyo jihada ay kusocoto hoggaaminta Madaxweynaha. Mucaaradka ayaana ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu kasoo laabtay jidka uu doortay ee ah inuu xoogga saaro sidii uu xukunka usii haysan lahaa.

Inkasto oo ay garab istaageen dagaalka ka dhanka ah argagixisada, haddana meesha kama aysan saarin suuragalnimada ah inaan dagaalka guul laga gaari karin.

Ka sakow walaaca iyo cabsida ka muuqata baaqyada kasoo baxay Farmaajo oo dhinac ah, Shariif, Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakur oo hal dhambaal soo wada saaray, Saacid Shirdoon iyo Axmed Madoobe, haddana waxay isku raacsan yihiin inay jirto fursad weli dalka lagu badbaadin karo siyaasad ahaan iyo dagaal ahaanba.

Luuqada iyo fariimaha ay soo saareen mucaaradku ayaa ah kuwii ugu xoogganaa xilli uu shaki badan oo amni soo baxayo, iswaydiinta ayaana ah heerka ay gaarsiisan tahay cabsida ammaan ee dalka.

Marka aan eegno digniinaha amni oo ay soo saartay Safaaradda Maraykanku, baaqashada duulimaadyada caalamiga ah ee Garoonka Aadan Cabdulle oo lagu daray weerarada ay soo qaaday Al Shabaab, qaabka ay dhul cusub ula wareegayso, waa dhab inay xaalkuu uu ka culus yahay sidii horre.

Si looga gudbo xaaladdan soo korortay ayna ka qayla dhaaminayaan madaxdii hore ee dalku, waxaa muhiim ah in Madaxweynuhu qaato baaqyada mucaaradka, saaxada siyaasadda furo, kasoo noqdo doorashada aan la isla ogalayn, dastuurkii uu laalayna kasoo laabto si ay loogu midoobo khatarta amni ee haatan jirta.

Sedex sano kahor markii Madaxweynuhu uu dagaalka argagixisada ku dhawaaqay, waxaa uu helay taageero bulsho iyo siyaasiyiin u midaysnaa, mana jirin kala qaybsanaan dagaalka ah.

Mudnaan siin la’aanta Madaxweynaha ee danaha qaran ee xasilloonida siyaasadeed ayaa dad badani qabaan inay keentay in isqaadashadii bulsho iyo amnigiiba ay meesha ka baxaan, taasina keentay in dhawaaqyada cabsida wataa la maqlo waqtigan.

Farriimaha mucaaradka, inkastoo baraarujin u badnaayeen, haddana waxay iftiimiyeen in xaalka amni ee dalka aan la isku halleyn karin, haddii uusan dhabbahan kasoo laaban Madaxweynanaha iyo Xukuumaddiisana inay reerka ku furi doonaan meel cidlo ah oo aan loo aayi doonin.

Amera 7da Maarso 2025  Hoggaanka Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa u muuqda inay aaminsan yihiin in dagaal u dhexeeya Eritrea iyo Itoobiya uu yahay mid aan laga fursan karin.

Wareysi uu siiyay Barnaamijka Brakhe Show, Amanuel Assefa, Guddoomiye Ku-xigeenka garabka TPLF ee uu hoggaamiyo Debretsion Gebremichael, wuxuu yiri “waxaan arkeynaa bandhigyo ciidan oo u muuqda diyaar garow dagaal.” Dagaalka, ayuu yiri, wuxuu yeelan doonaa khatar juqraafi siyaasadeed, labada dalna waa inay si xikmad leh uga fekeraan.

“Aniga ahaan saadaashayda xaaladdu uma horseedi doonto xaalad nabadeed; shaki kuma jiro inay horseedi doonto dagaal,” ayuu raaciyay.

Wuxuu xaaladda labada dal ku tilmaamay mid “walaac leh.” Wuxuu sharaxay “Haddii labada dal ay dagaal galaan, Tigray ayaa noqon doonta goobta dagaalka. Dadkeennu waxay soo mareen dhibaatooyin badan. Dagaal nagu filan ayaan soo marnay.”

Gobolka Tigray waxaa burburiyay dagaalkii laba sano socday ee u dhexeeyay maamulka gobolka Tigray ee uu hoggaaminayay TPLF iyo dowladda federaalka ah ee uu hoggaaminayay Abiy Axmed, kaasoo sidoo kale burburiyay gobollada Afar iyo Amxaarada ee Itoobiya.

Amanuel wuxuu sidoo kale ka hadlay wararka sheegaya xiriirka hoggaamiyeyaasha ciidamada TPLF iyo dowladda Eritrea. Wuxuu ku tilmaamay wax aan sal iyo raad toona lahayn; wax caddeyn ah haba yaraatee.

TPLF ama hoggaamiyeyaasha ciidamada ammaanka ma raaci doonaan tallaabo ka dhan ah dowladda Itoobiya oo ay la midoobaan Eritrea ama “ciidamo kale.” “Ciidamada kale” lama faahfaahin.

Waxaa jirey eedeymo sheegaya in qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha ciidamada TPLF – kuwaas oo markii dambe muujiyay taageerada garabka uu hoggaaminayo Debretsion Gebremichael – ay dahab ka tahriibinayeen goobaha macdanta ee Tigray iyaga oo marinaya Eritrea. Eritrea sidoo kale way beenisay.

TPLF waxay u muuqataa inay leedahay taariikh dhow oo xiriir la leh Masar. Getachew Reda, Madaxweynaha Maamulka ku-meel gaarka ah ee Tigray iyo hoggaamiyaha mid ka mid ah garabyada TPLF, ayaa shaaca ka qaaday dhowr bilood ka hor in Masar ay taageero siisay TPLF intii lagu jiray dagaalkii laba sano socday ee ka dhanka ahaa dowladda uu hoggaaminayo Abiy Axmed.

Masar ayaa hadda xulufo la ah Eritrea iyo Soomaaliya, sida muuqata iyadoo rajaynaysa inay sii wiiqdo Itoobiya.

Toddobaadkii hore, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, wuxuu ku sugnaa Asmara, halkaas oo uu wadahadallo kula yeeshay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki arrimo kala duwan oo ay ku jiraan amniga gobolka.

Xiriirka Eritrea iyo Itoobiya wuxuu ku dhow yahay heer isku dhac ciidan ka dib markii labada dal ay is weydaarsadeen eedeymo.

Maqaal ra’yi ah oo uu qoray Madaxweynihii hore ee Itoobiya, Mulatu Tehome, oo lagu daabacay Al Jazeera – kaas oo dowladda Itoobiya ay markii dambe beenisay – ayaa ku eedeeyay Eritrea inay la shaqeyneyso mid ka mid ah garabyada TPLF si ay u huriso isku dhac gobolka Geeska Afrika.

Eritrea dhankeeda waxay ku eedeysay Itoobiya “hurinta dagaal.”

WARARKA MAANTA 6da Maarso 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxuu ku fashilmay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” ? Maxuuse Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”  u diiday inuu sameeyo Maxkammad Dastuuriga ah? Maxuuse Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”  u diiday inuu sameeyo #Maqaamka #Muqdisho? Maxayse yiniin wefdiga ay #Dowladda #Soomaaliya u dirtay #Baydhabo? Maxayse beesha caalamka ugu diiday lacagtii laga xanibay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” ? Yaase ka masuul ahaa in lacagtaas lagu shubo akoontooyin shaqsiyadeed Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” ? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub ee #Soomaaliya? Yaa noqon doona Xeer Ilaaliyha Guud ee cusub? Yaa noqon doona Hanti-Dhowraha cusub? Yaa diidi kara inaysan wadashaqayn dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada? Ha Wiqleyso! 

Muqdisho 6da Maarso 2025 Maamulka Degmada Afgooye oo dhowaan ka bilaabay inuu canshuurta sanad laha ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed uu ka qaado Guryaha Degmada ku yaala ayaa waxaa ka horyimid diidmo ay muujinayaan qaar kamid ah Shacabka oo ku andacoonaya in aysan jirin canshuurtoodi adeeg loogu badalay Shalay xaafada Xaawo Taako waxaa ka dhacay isku dhac u dhaxeeyay dadka degaanka iyo ciidamada amaanka oo isku dayay inay dadka kala ceeriyaan maadama dadka diidanayeen inay canshuurta bixiyaan waxaana jiray khasaare ka dhashay rasaasta ay ciidanka ay rideen.

Dad goob joogayaal ayaa sheegay in hal qof uu ku geeriyooday midkalana dhaawac uu kasoo gaaray rasaasta ay ciidamadu ay ku rideen dadkii dibad baxyada dhigaayay.

Cabdullaahi Xaaji Xasan oo ah Gudoomiyaha Xaawo Taako ayaa sheegay inuu ogyahay kaliya Qofka dhaawaca uu soo gaaray, waxaana uu tilmaamay in dadkaan ay ku cusub tahay canshuur qaadista oo magaalo waliba laga qaado.

“Tusaale Muqdisho Canshuur ayaa laga qadaa shacabkeedi, laakin tan waxay uga duwan tahay dadka waa ay ku cusub tahay in laga qaado canshuurta sanadka ee guryaha waxaana ugu badelnaa canshuurta ay bixiyaan laamiyo ayaan ugu dhisnaa” ayuu yiri Cabdullaahi Xaaji Xasan Gudoomiyaha Xaafada Xaawo Taako ee Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

New York 6da Maarso 2025 Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujiyay hubka sharci darrada ah ee ka imaanaya dalka Yemen si loo soo geliyo Soomaaliya, taasoo jabinaysa cunaqabateynta hubka ee saaran Al-shabaab.

Xayiraaddan ayaa qayb ka ah dadaallada ballaaran ee caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu xakameeyo dhaq-dhaqaaqyada kooxda xagjirka ah, oo ah isha ugu weyn ee xasilloonida darrada Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.

Hubka ka yimaada Yemen oo ah dal laftiisa ay ka jiraan colaado daba dheeraaday ayaa sii xumeynaya caqabadaha amni ee ka jira Soomaaliya.

Golaha amaanka ayaa marar badan ka hadlay muhiimada ay leedahay in loo hoggaansamo cunaqabateynta hubka si looga hortago in Al-Shabaab ay xoojiyaan awoodooda ciidan.

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday dalalka xubnaha ka ah inay xoojiyaan dadaalkooda ku aaddan la socodka iyo ka hortagga shixnadaha hubka sharci darrada ah, iyo inay la shaqeeyaan ururada gobolka sida Midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD si arrintan wax looga qabto.

Maraykanka 6da Maarso 2025 Haweeney Soomaali ah oo lagu eedeeyay inay isku dayday inay laaluush siiso xeerbeegti intii lagu guda jiray maxkamadayntii ugu horreysay ee kiiska Feeding Our Future sanadkii hore, iyadoo sidatay boorso ay ku jiraan $120,000 oo lacag caddaan ah, ayaa sidoo kale gacanta ku haysay shirkad heshay ugu yaraan $1.6 milyan oo ka timid hay’ado kale oo ku lug lahaa khiyaanadaasi, sida lagu sheegay dukumeenti maxkamadeed oo Talaadadii la shaaciyey.

Ladan Mohamed Ali, oo 31 jir ah kana soo jeeda Seattle, ayaa sannadkii 2018 ka hirgelisay St. Paul shirkad cunto-sameeye ah oo la yiraahdo Afro Produce, sida ku cad diiwaanka shirkadaha ee Xafiiska Xoghayaha Gobolka Minnesota.

Sanadihii 2020 iyo 2021, Afro Produce waxa lagu xusay inay tahay shirkad cunto keenta oo la shaqaynaysa shirkado ay gacanta ku hayaan dad horay u qirtay dambiyo la xiriira khiyaanadii lagu lunsaday $250 milyan oo laga xaday barnaamijka nafaqaynta carruurta ee dowladda federaalka Mareykanka, sida ku cad gal-dacwadeedka iyo markhaatifurkii maxkamad ka socota bishan oo la xiriirta kiiska agaasimihii Feeding Our Future, Aimee Bock, iyo gacan-yarihiisii la tuhunsanaa, Salim Said.

Bock ayaa lagu eedeeyay inay hoggaaminaysay qorshaha laaluushka iyo wax is-dabamarinta, mid ka mid ah khiyaamooyinkii ugu waaweynaa ee la xiriiray deeqaha la bixiyay xilligii COVID-19.

Pauline Roase, oo ah xisaabiye la socodka dhaqaalaha oo ka tirsan FBI, ayaa Talaadadii ka marag furtay maxkamadda Bock iyo Said, iyadoo sheegtay in baaritaankeedii la xiriiray xisaabaadka bangiga ee Afro Produce aysan u suuragelin inay ogaato haddii wax cunto ah dhab ahaan la iibsaday iyo in kale, iyo haddii ay yihiin xisaab-xiryo la been abuuray.

Warqad baaritaan oo Talaadadii la shaaciyey ayaa xustay in sarkaalka FBI Kevin Kane uu sheegay in tuhmanayaashu ay Afro Produce u adeegsadeen inay raadkooda qariyaan, iyagoo gudbinaya “qaansheegad been abuur ah” oo muujinaysa iibsashada cunto aan waligeed la keenin. Shirkaddan fadhigeedu wuxuu ahaa St. Paul, cinwaankeeduna wuxuu ahaa 2554 Como Av.

Qaansheegado la mid ah kuwaasi ayaa la hor keenay maxkamadda Bock iyo Said, iyadoo wakiillada FBI ay soo bandhigeen dukumentiyo Afro Produce ay ku sheegtay inay siisay shirkado lagu eedeeyay inay khiyaaneeyeen barnaamijka cuntada oo malaayiin dollar lagu lunsaday.

Warqadda baaritaanka ayaa muujisay in Ladan ay heshay “jeegag waaweyn” oo ka yimid Afro Produce intii u dhaxaysay 2021 iyo 2022. Dukumeentigu wuxuu xambaarsan yahay koobiyada saddex jeeg oo isku dar ahaan lagu siiyay $40,000, laguna qoray magaca Ladan.

Qareenka Ladan, Eric Newmark, ayaa Talaadadii sheegay inuusan wali arkin warqadda baaritaanka, wuxuuna ka gaabsaday inuu faallo ka bixiyo.

Ladan waxa kale oo ay xiriir la lahayd Gar Gaar Family Services, oo ah hay’ad samafal oo fadhigeedu yahay Minneapolis, taasoo ay Waaxda Waxbarashada Minnesota ka saartay barnaamijka cuntada dabayaaqadii 2021, kadib markii ay heshay in ka badan $21 milyan oo magdhow ah oo lagu sheegay in lagu quudiyey 7 milyan oo cunno ah.

Sida ku cad warqadda baaritaanka, Ladan waxay Gar Gaar u xustay inay tahay shaqa-bixiyeheedii markii ay furtay xisaab bangi sanadkii 2021.

Mulkiilayaasha Gar Gaar Family Services laguma soo oogin wax dacwad ah. Hay’addu waxay racfaan u gudbisay Maxkamadda Racfaanka Minnesota si ay u buriso go’aankii dowladda, balse maxkamaddu waxay xukuntay in gobolka uu u maray xeerarka federaalka. 

Gar Gaar waxa ay oggolaatay inay xirto howlaheeda sanadkii hore, kadib markii Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Keith Ellison uu baaris ku sameeyay, taasoo lagu ogaaday inay jebisay sharciyada la xiriira hawlgalkeeda iyo dhaqdhaqaaqeeda maaliyadeed.

Ladan waxay qiratay dambiga maxkamadeed xagaagii hore, iyadoo ogolaatay inay jeebkeeda ku shubatay $80,000 oo ay siisay difaacayaal maxkamadaysan si ay laaluush ugu siiso xeerbeegti.

Falkaasi oo aad u dhif ah—oo ah isku daygii ugu horreeyay ee laaluush xeerbeegti ah Minnesota ka dhaca muddo ka badan 60 sano—waxay xeer-ilaaliyayaashu ku tilmaameen weerar ka dhan ah nidaamka cadaaladda.

Arrintan ayaa keentay in garsooraha kiiska uu xeerbeegtida go’doomiyo si loo sugo badqabkooda, iyagoo xukminayay kiiska sannadkii hore. Tallaabooyin amni oo dheeraad ah ayaa lagu kordhiyay maxkamadda, si gaar ahna loogu dabaqay dacwadda socda ee bishan.

Maxkamadda xigta ee Ladan waxay dhici doontaa Khamiista, waxaana lagu falanqayn doonaa haddii ay jebisay shuruudihii xabsiga lagaga sii daayay, kadib markii lagu xiray dambiga DWI bishii Febraayo

Sida lagu xusay dacwad ka furan Maxkamadda Degmada Hennepin, sarkaal ka tirsan State Patrol ayaa joojiyay Ladan kadib markii ay si kadis ah u jiirtay gaari kale, ka dibna goobta ka carartay. Baaritaanka neefta ee la qaaday ayaa muujiyay in heerka khamriga dhiigeedu ahaa 0.28%.

Muqdisho 6da Maarso 2025 Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), General Odawaa Yuusuf Raage, ayaa ku baaqay riixitaan kama dambeys ah oo ka dhan ah Al-Shabaab, isagoo ku dhawaaqay in kooxda xagjirka ah ay ku sugan tahay meel burbur ku dhow, isla markaana ku boorriyay ciidamada dowladda inay sii wadaan dardartooda.

Isagoo ka hadlayay jiidda hore ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ciidamada Soomaaliya iyo maleeshiyaadka xulafada ah ay xoojiyeen howlgallada, Odawaa wuxuu ka digay in xagjiriintu ay ku sugan yihiin “halgankoodii ugu dambeeyay” isla markaana ay tahay xilligii la soo afjari lahaa.

“Muddo laba sano ah, Al-Shabaab waxay ku jirtay go’doon. Way daciifeen oo quus bay ka taagan yihiin,” ayuu yiri Odawaa. “Howlgallada waa inay sii socdaan iyadoo aan la hakinin. Guushu waxay u baahan tahay naf-hurnimo, mana jirto dal sharaf ku helaya si bilaash ah.”

Taliyaha ciidanka Soomaaliya ayaa carrabka ku adkeeyay in ciidamadu ay tahay inay ahaadaan kuwo adkeysi leh, isagoo uga digay inay ka baxaan goobaha dhawaan la xoreeyay. Hadalladiisa ayaa imaanaya xilli Al-Shabaab ay kordhisay weerarrada ka dhacaya Shabeellaha Dhexe, taasoo u muuqata isku day lagu carqaladeynayo howlgalka militariga ee socda.

Dowladda Soomaaliya, oo ay taageerayaan maleeshiyaadka deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah, ayaa xoojisay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab tan iyo 2022-kii, iyadoo dib ula soo wareegtay saldhigyo muhiim ah oo ku yaalla bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda xagjirka ah ayaa sii waday inay fuliyaan weerarro gaadmo ah oo dhimasho badan geysta, qaraxyo ismiidaamin ah, iyo weerarro ku dhufo oo ka dhaqaaq si ay u carqaladeeyaan howlgalka.

Hadallada Odawaa ayaa muujinaya ujeedka dowladda ee ah inay sii kordhiso ololaheeda. Iyadoo ciidamada Soomaaliya ay sii galayaan goobaha ay xagjiriintu maamulaan, toddobaadyada soo socda ayaa la filayaa inay noqdaan kuwo muhiim u ah go’aaminta aayaha kooxda.

Balcad 6da Maarso 2025  Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay qaaday tallaabo culus oo ku aadan xaaladda degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii todobaadkii hore ay gudaha u galeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo ay ugu horreeyaan saraakiisha laamaha amniga ayaa xalay tegay degmada Balcad, iyaga oo halkaas ka sameeyay kormeer ballaaran.

Xubnaha booqday Balcad waxaa kamid ah guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha qaybta guud ee booliska gobolka Banaadir Macallin Mahdi, Taliyaha NISA ee gobolka Banaadir Cabdifitaax Shaaweeye, saraakiil ka tirsan Boolis Milataaro iyo mas’uuliyiin kale.

Xubnahan ka socda dowladda federaalka ayaa kormeer kadib la kulmay maamulka degmada Balcad iyo qaybaha bulshada, iyaga oo kala hadleen xaaladda degmadaasi.

Guddoomiye Yabooh oo warbaahinta hadal kooban ayaa sheegay in ujeedkooda uu ahaa kormeer ku saabsan amniga, wuxuuna tilmaamay in xaaladda Balcad ay dagan tahay, isla markaana ay kamid a meelaha laga ilaaliyo caasimada dalka ee Muqdisho.

Yabooh ayaa sidoo kale ka digay in bulshada la marin habaabiyo, iyada oo looga faa’iideysanyo dano gaar ah oo siyaasadeed,.

“Dadka isku dayaya in ay bulshada marin habaabiyaan, haka digtoonaadaaan, amniga Muqdisho iyo degmooyinka Afgooye iyo Balcad waa isku xiran yahay” ayuu yiri Yabooh.

Dhankiisa guddoomiyaha maamulka degmada Balcad Qaasim Cali Nuur oo soo dhaweeyay mas’uuliyiinta tegtay Balcad ayaa sheegay in amniga degmada uu wanaagsan yahay, isla markaana ay diyaar u yihiin inay iska difaacaan argagixisada.

“Al-Shabaab ma qabsan karto magaalada Balcad, waana amni, wararka been abuurka ah dadka faafinaya ha joojiyaan, waxaan wadnaa howlgallo iyo Roondo joogto ah oo lagu xaqiijinayo Amniga guud” ayuu yiri guddoomiye Qaasim Cali Nuur.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo todobaadyadii u dambeeyay ay kooxda Al-Shabaab culeys soo saartay gobolka Shabeelaha Dhexe, iyada oo isku deyday inay qabsato deegaanno horay looga saaray waxaase ka hortegay ciidamada isbaheysanaya.

http://youtube.com/watch?v=VU099gFuwX4

WARARKA MAANTA 5ta Maarso 2025 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta:Maxuu kashifay Fakad/Baxsad Fahad Yaasiin Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad-Sugida Iyo Sirdoonka? Maxayse yihiin argagixisada Shabaab ee #Muqdisho qaraxyada ka samayn doona? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub? Yaase laga qaadi doonaa xilalka? Maxayse labada aqal uga shaqayn waayeen sidii looga wadashaqaysiin lahaa Dowladda Iyo Dowlad gobaleedyada?  Maxuu  Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” u diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah? Maxuuse  Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” u diiday inuu sameeyo #Maqaamka #Muqdisho? Maxay Dowladda #Soomaaliya u diiday inay la shaqeyso dowlad gobaleedyada dalka? Yaa bixiyey warbixinta lagu xanibay lacagtii uu dhacay  Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” iyo qoysaskiisa? Maxaase loo xanibay lacagtaas? Yaa noqon doona Taliyaha cusub ee Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee Hirshabelle? Yaa diidan inay shaqeeyo sharciga iyo dastuurka  Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” ? Yaa shacabka ka barakiciye #Muqdisho? Ha Wiqleyso! 

Ceelbaraf 5ta Maarso 2025 Howlgallo culus oo cir iyo dhul ah, laguna jebiyey Al-Shabaab, ayaa ka socda deegaano badan oo ka tirsan HirShabeelle. Galabta ilaa caawa, duqeymo aan kala joogsi lahayn ayaa ka socda Ceelbaraf iyo Daarunicma.

Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka oo dhowr jiho ka soo galay ayaa maanta weeraray Ceelbaraf, waxaana halkaas lagu laayey Shabaab badan.

Ciidamada dadka deegaanka ayaa dib loo soo abaabulay, Macawiisleyda reer Hiiraan oo maalin ka hor uu rasaas u qeybiyey Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa maanta ka qeyb qaatay weerarkii lagu qaaday Ceelbaraf.

Qeyb kamid ah Al-Shabaab ayaa la sheegay in ciidamada ay ku hor carareen oo deegaanka ay isaga baxeen, halka guryaha magaalada Ceelbaraf ay isku dhex-qariyeen Shabaab-kii ugu badnaa ee maalmahaan deegaankaas joogay.

Gabal-dhicii galabta ayaa la sheegay in weerar uu ka bilowday gudaha magaalada, maadaama Al-Shabaab ay galeen guryaha, ciidankuna ay u maleeyeen inay jabiyeen oo iska baxeen.

Magaalada Ceelbaraf ayaa gubaneysa caawa, kadib markii maanta duqeymo xoog leh ay ku garaaceen diyaaradaha dagaalka. Guryihii shacabka iyo goobihii ganacsiga Ceelbaraf ayuu dab is qabsaday, sida ay muujinayaan muuqaalo laga soo duubay magaaladaas.

Ciidamada ayaa caawa fiidkii hore dib uga gurtay degmada Ceelbaraf, waxaana la sheegay in caawa ay ku jirto gacanta Al-Shabaab. Duqeymaha ayaa si is-dabajoog ah uga dhacaya aaggaas.

Khasaaraha ugu badan ee duqeymaha ayaa lagu gaarsiiyey kooxda. Saddex gaari oo kuwa dagaalka ah iyo maleeshiyaadkii saarnaa ayaa la xaqiijiyey in maanta looga gubay inta u dhaxeysa Biyacadde iyo Ceelbaraf.

Saddex gaari oo ka baxay Biyacadde, una gurmanayey Shabaab-kii lagu weeraray Ceelbaraf, ayaa sida ay Caasimada Online u xaqiijisay, lala helay gantaalo, halkaasna ay ku bas-beeleen.

Dhinaca kale, deegaanka Daarunicma oo hoos taga degmada Aadan Yabaal, waxaa caawa ka dhacaysa duqeyn aan kala joogsi lahayn oo argagax ku abuurtay dadka shacabka ah ee ku nool Aadan Yabaal, Al-Kowsar, iyo deegaanada ku xeeran Daarunicma.

Deegaankaas waxaa joogta kooxda Al-Shabaab, oo dagaal la’aan la wareegtay maalmo ka hor, kadib markii ay isaga baxeen ciidamada deegaanka oo aad u tiro yaraa.

Qorshaha dowladda waa in maalmo kooban lagu soo afjaro Shabaab-ka soo galay Shabeellaha Dhexe, iyadoo la isticmaalayo taatiko dagaal oo yareynayo ama laga baaqsanayo khasaare soo gaara shacabka iyo ciidamada qaranka, sida ay noo sheegeen saraakiisha hoggaamineysa howlgalka.

Muqdisho 5ta Maarso 2025 Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magacaabay guddi uu u xil-saaray abaabulka dagaalka Khawaarijta ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe. Xubnaha guddiga ayaa u badan xildhibaanno ka tirsan BFS.

Sidoo kale, xubnaha guddiga ayaa ka soo jeeda deegaanada HirShabeelle iyo Galmudug, waxayna gaarayaan shan xubnood, sida ay ogaatay Caasimada Online. Shaqada uu guddigaasi toos u qaban doono waa abaabulka ciidamada deegaanka ee Macawiisley.

Xubnaha guddiga uu magacaabay Xasan Sheekh ee loo xil-saaray abaabulka beelaha dega Sh/Dhexe si ay isaga dhiciyaan Khawaarijta waa shan, waxayna kala yihiin:

1 – Senator Afcadey
2 – Xildhibaan Cismaan Xaadoole
3 – Xildhibaan Maxamed Cajiib
4 – Xildhibaan Maxamuud Abuukar
5 – Iyo sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga oo lagu magacaabo Cabdullaahi Macalin Mukhtaar

Guddigaan ayaa madaxweynaha wakiil uga noqonaya abaabulka dagaalka, taakulada ciidanka, iyo qorshe kasta oo looga hortegayo weerarrada is-dabajoogga ah ee ka imaanaya kooxda Al-Shabaab oo dooneysa inay isku fidiso gobolka Shabeellaha Dhexe.

Saraakiisha ugu sareysa ciidanka xoogga ayaa horay ugu sugnaa gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo kala ah:

  • Taliyaha Xoogga Dalka, Jeneraal Odawaa Yuusuf
  • Taliyaha Ciidanka Dhulka, Jeneraal Sahal Cabdullaahi
  • Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada, Korneyl Xasan Shuute

Intaas waxaa dheer kulamo is-dabajoog ah oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu la yeeshay dhinacyada ay ka go’do talada deegaanada ay Shabaab soo galeen ee HirShabeelle. Wuxuu madaxweynuhu ka dalbaday dhinacyadii uu la kulmay inay abaabulaan howlgalka oo garab siiyaan ciidamada qaranka.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ciidamada qaranka ku amray in saacado gudahood ay HirShabeelle uga nadiifiyaan Khawaarijta. Iyadoo amarka madaxweynaha laga jawaabayo, ayaa maanta weerar culus lagu qaaday Ceelbaraf, waxaana ka dhacay mid kamid ah dagaalladii ugu cuslaa.

Mar kale, waxaa la sheegay in caawa ay Ceelbaraf ku soo laabteen Al-Shabaab, kadib markii galabta maqribkii ay dib uga gurteen ciidamadii xoreeyey oo weerarro teel teel ah kala kulmay Shabaab ugu dhuuntay guryaha magaalada.

Dhanka Daarunicma, waxaa caawa ka socota duqeyn xoog leh. Magaalada ayaa gubaneysa, sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka, si la mid ah Ceelbaraf, oo guryihii iyo goobihii ganacsiga duqeymo lagu burburiyey kadib markii gabaad ka dhigteen maleeshiyaad ka tirsan argagixisada.

Addis Ababa 5ta Maarso 2025 Itoobiya ayaa sheegtay inay sii wadi doonto inay ku dhaqaaqdo waddo kasta oo nabadeed si ay u hesho marin ay ku gaarto badda.

Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa heshiis gaaray, waxaana weli socda wadahadallo, kadib heshiis ay la galeen Somaliland sannad ka hor kaas oo ruxay Geeska Afrika.

Wareeg kale oo wadahadallo ah ayaa la filayaa, mas’uul dhanka Soomaalida ah ayaa dhawaan sidaasi u sheegay warbaahinta. Saraakiisha Itoobiya ayaan ka hadlin arrintan.

Masar oo doonaysa inay xoojiso awooddeeda Geeska Afrika ayaa marar badan ka hor timid qorshahan.

Muxuu noqon doonaa mustaqbalka Itoobiya?

Toddobaadkii hore madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Masar Dr. Badri Abdellati oo ay ka wada hadleen arrimaha Geeska Afrika iyo Badda Cas.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Masar ee Ahram Online, mas’uulka Masaarida ah ayaa sidoo kale fariin uu ka siday madaxweyne Abdel-Fattah al-Sisi u gudbiyay madaxweyne Isaias Afwerki.

Intii ay socdeen qalalaasaha u dhexeeyay Itoobiya iyo Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Soomaaliya waxay sameysteen isbahaysi wadajir ah.

Itoobiya ayaa tan iyo heshiiskii Turkiga waxa ay sii xoojisay xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya.

Toddobaadkii hore, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa markii ugu horreysay tan iyo markii ay heshiiska gaareen u socdaalay Muqdisho, wuxuuna la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Inkasta oo aan la ogeyn waxyaabaha ay ku heshiiyeen, haddana waxaa la isku afgartay in laga wada shaqeeyo arrimo kala duwan.

Waxaa la isku afgartay in ciidamada Itoobiya ay sidoo kale ku sii sugnaadaan Soomaaliya iyagoo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika iyo sidoo kale heshiis labo geesood ah, inkasta oo aan la shaacin tirada.

Inkasta oo Itoobiya ay xallineysay xiisadda kala dhexeysa Soomaaliya, ayaa haddana waxaa la soo sheegayaa in xiriirka ay la leedahay Eritrea uu sii wiiqmayo.

Taa beddelkeeda, dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in labada dal ay isku dhici karaan duruufaha jira awgood. Mid ka mid ah qodobada laga yaabo inay sababaan colaaddu waxa ka mid ah arrinta badda.

Si kastaba ha ahaatee, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa dhowr jeer hore u sheegay in Itoobiya “aysan doonayn inay waddan la dagaallanto haddii aan iyada la taaban”.

Field Marshal Birhanu Juula oo ah taliyaha guud ee ciidanka Itoobiya ayaa khudbad ka jeediyay munaasabadda 129-aad ee Adwa.

“Waqti yar ayaa naga xiga in aan ka mid noqono bulshada Badda Cas. Waxa aan rajeyneynaa in danta qarankeena lagu gaaro si nabad ah,” ayuu yiri.

Soomaaliya maxay ka tiri?

Heshiis ay Itoobiya sanad ka hor la gashay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanideeda ee Somaliland ayaa khilaaf xooggan ka abuuray Geeska Afrika.

Tan iyo markii ay Itoobiya iyo Soomaaliya heshiis gaareen, arrinta badda ayaan aad loo maqlin.

Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya waxay ku dhawaaqday in aysan ka hari doonin raadinta badda.

“Itoobiya kama aysan tegin raadinta iyo dalabka marin badeed,” ayuu yiri Nabiyat Getachew.

“Dadaalka lagu doonayo in lagu helo saldhig badeed la isku halleyn karo oo waara waxay ku salaysan yihiin hab diblomaasiyadeed iyo hab nabadeed iyo sidoo kale wax-kala beddelasho,” ayaa laga soo weriyay dhawaan.

“Waxa aan ku heshiinay inaan ka wada shaqeyno mashaariic istiraatiijiyadeed oo dadka Itoobiya iyo Soomaaliya si isku mid ah uga faa’iideysanayaan,” ayuu yiri.

Inkastoo saraakiisha Itoobiya aysan si cad u sheegin, haddana arrinta ku saabsan badda ayaa ah mid ay madaxda Soomaalida kala hadli karaan.

Qodobada ay Itoobiya iyo Soomaaliya ku heshiiyeen wadahadalladii ay Turkigu garwadeenka ka ahaayeen ayaa waxaa ka mid ah:

“Labada dal waxay aqoonsan yihiin faa’iidooyinka kala duwan ee ay leedahay helitaanka Itoobiya ee deked lagu kalsoonaan karo taas oo waafaqsan in la ixtiraamo midnimada iyo xuduudaha Soomaaliya.”

Itoobiya oo ah dal ay dad badan ku nool yihiin oo aan lahayn dekad ayaa haddana waxa ay isticmaashaa in ka badan 90% dekedaha Djibouti.

In Jabuuti oo kaliya xoogga la saaro ma aha wax lagu qanci karo. Taas beddelkeeda, wuxuu sheegay in arrinta marinka badda ay tahay “arrin nolol iyo geeri ah.”

Masar ayaa ka mid ah dalalka aan ku faraxsanayn qorshaha Itoobiya. Waxay sharaxday in kaliya qadiyadda amniga ee Badda Cas ay ka hadli karaan dalalka xuduudda la leh biyaha Badda Cas.

Soomaaliya ayaa laga yaabaa inay Itoobiya siiso adeeg dekadeed ee xeebaha Badweynta Hindiya, Bloomberg ayaa sidaasi sheegay, isagoo soo xiganaya sarkaal.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Cali Maxamed Cumar oo la hadlay TV-ga Universal ayaa sheegay in labada dal ay ka shaqeynayaan sidii loo sii wadi lahaa wadahadallada, isla markaana heshiis loo gaari lahaa bisha Oktoobar.

“Heshiisku wuxuu qeexayaa dekadda la bixinayo, goobta ay kaga taal Badweynta Hindiya iyo dhammaan kharashyada,” ayuu yiri sarkaalku.

Hadalkiisa ayaa yimid kadib markii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu booqasho ku yimid Muqdisho toddobaadkii hore oo uu wadahadallo la yeeshay dhiggiisa Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Itoobiya.

Maxay taasi Itoobiya uga dhigan tahay?

Markii Itoobiya ay heshiiska la gashay Somaliland, arrinta ugu weyn ee ay ku heshiiyeen ayaa ahayd in la dhiso deked ku teedsan Badda Cas iyo sidoo kale saldhig ciidamada badda.

Inkasta oo nuxurka heshiisku aan si rasmi ah loo soo bandhigin, haddana Itoobiya ayaa heli lahayd bad dhan 20 km.

Taas beddelkeeda waxaa la sheegay in Itoobiya ay aqoonsan doonto Somaliland.
Waxa ay ahayd in lagu fuliyo bil gudaheed balse wali lama hirgelin.

Madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi oo heshiiska la saxiixday Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, ayaa waxaa doorashadii cusbeyd kaga guuleystay musharraxii mucaaradka.

Tan iyo markii Itoobiya iyo Soomaaliya ay gaareen heshiis uu garwadeen ka yahay Turkiga, lama oga halka uu ku dambeyn doono heshiiskaasi dhinaca badda.

Dalalka Geeska Afrika, wadamada awoodda leh ee adduunka ayaa saldhigyo ciidan ka sameystay dalalka Djibouti, Soomaaliya iyo Kenya.

Itoobiya waxa ay tababaraysay ciidan badeed oo la kala diray sanado badan ka hor si ay u daboolaan baahideeda gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya iyo Jabuuti midkoodna horay uma soo bandhigin inay rabaan inay Itoobiya siiyaan saldhig badeed marka laga reebo dekedaha.

Markii heshiiska lala gaaray Eritrea, saldhigga Casab ayaa ujeedooyinkaasi in uu buuxiyo loogu talagalay, hase ahaatee, laguma guulaysan.

Dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in tani ay tahay sababta ugu weyn ee saraakiisha Itoobiya ay u tageen Soomaaliya.

Isha: BBC Somali

Muqdisho 5ta Maarso 2025 Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa Talaadadii soo saartay digniin ku socota muwaadiniinta Mareykanka, iyadoo sheegtay in ay heshay “xog la hubo oo la xiriirta suurtagalnimada weerarro dhowaan ka dhici kara” gudaha dalka.

Mas’uuliyiintu ma bixin faahfaahin ku saabsan weerarrada la filan karo, balse safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa sheegtay inay la socoto khataro ka dhan ah dhowr goobood, oo ay ku jirto garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee caasimadda.

Digniinta lagu daabacay bogga rasmiga ah ee safaaradda ayaa xustay in dhammaan shaqaalaha safaaradda lagu amray inay joojiyaan dhammaan dhaq-dhaqaaqyadooda.

“Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay xusuusinaysaa muwaadiniinta Mareykanka in kooxaha argagixisada ay weli qorsheynayaan afduubyo, qaraxyo, iyo weerarro kale oo ka dhaca Soomaaliya,” ayaa lagu yiri digniinta safaaradda.

“Weerarradu waxay dhici karaan si lama filaan ah ama iyagoo leh digniin aad u yar, waxaana la beegsan karaa garoomada diyaaradaha, dekedaha, baraha kontaroolka, dhismooyinka dowladda, hoteellada, maqaayadaha, suuqyada waaweyn iyo goobaha ay dadku ku badan yihiin, gaar ahaan kuwa ay joogaan dadka reer Galbeedka. Sidoo kale, weerarro ayaa lagu beegsan karaa kolonyo ciidan oo ay la socdaan ciidamada dowladda, kuwa milateriga iyo saraakiisha reer Galbeedka.”

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa tan iyo bishii Luulyo 2024 ku haysay Soomaaliya heegan safar oo heer afaraad ah, kaasoo ka digaya in aan loo safro dalka sababo la xiriira khataraha argagixisada, dambiyada, iyo xasillooni darrada. Safaaraddu waxay sheegtay in digniintaasi weli sii jirto.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, kadib markii Madaxweyne Donald Trump dib ugu soo laabtay Aqalka Cad, Mareykanka ayaa kordhiyey duqeymihiisa militari ee Soomaaliya si uu u beegsado kooxaha argagixisada.

Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth ayaa sheegay in duqeymihii dhacay 1-dii Febraayo – oo ahaa howlgalkii militari ee ugu horreeyay ee xukunkiisa labaad – ay dileen dagaalyahanno badan oo ISIS ah, iyadoo aan la sheegin wax khasaare ah oo rayid ah.

fuliyey duqeymo kale oo dhowr ah isaga oo kaashanaya dowladda Soomaaliya, si loo beegsado dagaalyahannada ISIS iyo Al-Shabaab, iyadoo la weeraray deegaannada Al-Kowsar, Ceel Baraf, Dadar iyo Boulo-Burte.

Warbixin ay soo saartay kooxda caalamiga ah ee Crisis Group ayaa lagu qiyaasay in dagaalyahanada ISIS ee Soomaaliya ay gaaraan boqolaal, badankoodna ay ku sugan yihiin buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari ee Puntland.