Wararka

WARARKA MAANTA 7ta Sebteembar 2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa diiday in war saxaafaddeedkii Guddoomiyaha Shacabka Mudane Shiikh Nuur Aadan Madoobe in laga siidaayo warbaahinta dowladda sida Radio Mogadishu iyo Teleefishinka Qaranka? lMaxuu u diiday Guddoomiye Shiikh Aadan Madoobe inay warbaahinta soo tabiso wixii runta ah> Maxuuse Guddoomiye Shiikh Aadan u diidan yahay iniuu shaqeeyo golaha shacabka? Yaase qasbi kara inay warbaahinta madaxabanaan qariso musuqmaasuqa xafiiska guddoomiyaha, xafiiska madaxweynaha iyo xafiiska raysal wasaaraha? 

 Ha Wiqleyso! 

Israel  7ta Sebteembar 2024 Ciidamada Isra’il ayaa Jimcihi shalay sii waday duqeymaha cirka ah ee ay ka wadaan Marinka Gaza, iyada oo dhanka kalana ay rabshado khasaaro sababay wali ka socdaan Daanta Galbeed ee dhulka la heysto ee Falastin.

Wakaaladda wararka maamulka Falastiin ee loo soo gaabsho WAFA ayaa aroornimadi hore ee Sabtida maanta ah ku warrantay, in ugu yaraan 13 qof lagu dilay 15 kalana ku dhaawacmeen, duqeyn cirka ah oo ay xalay ciidanka Isra’il ku bartilmaameedsadeen iskuul ay ku barakaceen qaxootiga Gaza iyo dhismo kale oo ay dad rayid ah daganaayeen oo ku yaalla Gaza.

Wakaaladda WAFA waxay kaloo sheegtay, in ugu yaraan 8 ka mid ah dadka lagu dilay duqeynta loo geystay iskuulka Xalima Sacdiya ee Xerada Jabaaliya, ay ahaayeen qaxooti.

Bayaan kasoo baxay ciidamada Isra’il ayaa lagu sheegay, in duqeynta Iskuulka Jabaaliya ay aheyd mid loo fuliyay si sugan laguna bartilmaameedsaday argagixisada sida ay hadalka u dhigeen.

Weerar kale oo ay ciidamada Isra’il ku duqeeyeen xerada qaxootiga Nuseeyraat ee bartamaha Gaza ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay ugu yaraan 5 Falastiiniyiin ah.
Dhinaca Daanta Galbeed ee dhulka la heysto, ciidamada Isra’il ayaa la sheegay in ay dileen haweeneey Mareykan ah oo ka mid aheyd dadka u dhaq-dhaqaaqo xorriyadda Falastin.

Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka Matthew Miller ayaa xaqiijiyay, dhimashada Ayshenur Ezgi Eygi. Aqalka Cad ayaa sheeMaruuxmadda ayaa sidoo kale aheyd muwaadin Turkish ah, sida uu xaqiijiyay afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.

Isha: VOA

Muqdisho 7ta Sebteembar 2024 Saraakiisha sare ee dalka Kenya ayaa sheegay, in ugu yaraan 18 arday ay ku dhinteen 27 kalana ay ku dhaawacmeen kaddib marki uu dab qabsaday guri ay daganaayeen ardaydani oo ku dhex yaallo dugsiga hoose ee Hillside Endarasha ee gobolka Nyeri ee dalka Kenya.

Madaxweyne ku xigeenka Kenya Rigathi Gachagua ayaa Jimcihi sheegay in kaliyah 86 arday oo ka mid ah guud ahaan 150 arday oo iskuulka dhex daganeyd la tiriyay, sidaasi daraadeedna laga cabsi qabo in khasaaraha uu intani ka bato.

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa ku dhawaaqay in Kenya la geliyay saddex maalin oo baroor-diiq qaran ah, si loo sharfo carruurta ku go’day masiibada dabka ee Kenya.

Wali lama oga waxa sababay dabka oo billowday habeenki uu Jimcaha soo galay, balse booliska ayaa sheegay in ay billaabeen baaritaan ku aadan cidda sababtay iyo sida ay wax u dhaceen.

Afhayeenka booliska deegaanka Nyeri Resila Onyango ayaa sheegay in iskuulka ay wax ka dhigtaan carruur kan ugu weyn uu jiro 14 sano.

Muqdisho 7ta Sebteembar 2024 Guddoonka sare ee Golaha Shacabka Soomaaliya oo qoraal kooban soo saaray ayaa shaaciyay go’aan culus oo saameynaya warbaahinta madaxa bannaan, gaar ahaan wariyeyaasha tega xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

Go’aankan ayaa waxaa lagu sheegay in maanta kadib lagu mamnuucay shirarka jaraa’id ee lagu qabto gudaha iyo bannaanka xarunta Villa Hargeysa iyo in xittaa wareysiyo lagu qaado hakaasi.

Amarkan ayaa toos loola wadaagay warbaahinta, gaar ahaan wariyeyaasha soo tabiyay wararka la xiriira Baarlamaanka iyo doodaha xasaasiga ah ee ka jira, waxaana go’aankan si toos ah u saameynayaa shaqada warbaahinta madaxa bannaan ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu isla go’aankan uu saameynayaa xildhibaannada qudhooda oo farriimahooda kusoo gudbin jiray shirarka ay ku qabtaan xarunta Baarlamaanka, maadaama maanta kadib la mamnuucay.

Shirarka jaraa’id waxaa badanaa qabanayay xildhibaannada mucaaradka ku ah dowladda kuwaas oo  dhaliilo culus u jeedinayay madaxda ugu sarraysa dalka.

Lama oga sababTa rasmiga ah ee ka dambeysa arrintan, balse waxaa lala xiriirinayaa xiisadda ka dhalatay hadalladii dhowaan kasoo yeeray xildhibaannada kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee taageeray Itoobiya, kadib shir jaraa’id oo ay ku qabeen bannaanka xarunta Golaha Shacabka, taas oo dhalisay caro xoogan.

Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda xildhibaan ka hadlay xayiraadda lagu soo rogay wariyeyaasha tagta Xarunta Villa Hargaysa oo ay ku shiraan Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, maadaama uu yahay go’aan culus oo saameyntiisa leh.

Si kastaba, waxaa todobaadkii hore istaagay kulamadii Baarlamaanka, sababo la xiriira kala arati duwanaashaha xildhibaannada, inkastoo haatan xal laga gaaray.

Xhina 7ta Sebteembar 2024 Sida xubno xog ogaal ah ay Caasimada Online u sheegeen, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa diiday inuu la kulmo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed ayaa ku wada sugan magaalada Beijing ee dalka Shiinaha, halkaas oo ay uga qeyb galeen shirweynaha iskaashiga Shiinaha iyo Afrika.

Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Mauritania oo ay weheliyaan guddoomiyaha Midowga Afrika iyo madaxwaynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo ayaa la sheegay in ay isku dayeen in ay fududeeyaan wadahadalo ay Shiinaha ku yeeshaan Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed.

Xubnaha Caasimada Online la wadaagay xogtaan waxay xaqiijiyeen in Xasan Sheekh uu diiday kulankaas, balse Abiy Axmed ayaa daneynayey kulankaas.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horay ugu adkeysatay in aan wax wadahadal toos ah lagala yeelan doonin Itoobiya haddii aysan Addis Ababa ka laaban is-afgaradkii sharci darrada ahaa ee maamul goboleedka Somaliland uu u saxiixay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shirweynihii Beijing ka sheegay gardarada Itoobiya, wuxuuna caalamka ku wargeliyey in halista ka jirta gobolka ay sabab u tahay Itoobiya oo heshiis sharci darro ah la gashay maamul goboleed ka tirsan Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabeysa gardarada Itoobiya ayaa heshiis difaac la gashay Masar iyo Turkiga, waxayna arrintaasi cabsi badan ku abuurtay Itoobiyaanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa Turkiga ka ogolaatay dhex-dhexaadinta Itoobiya, balse Itoobiya ayaa diiday inay bedesho mowqifkeeda, waxayna dowladda Soomaaliya qaadatay go’aan aysan wadahadal kula geleyn Itoobiya ilaa ay cadeyso inay ka laabatay heshiiskii uu Muuse Biixi u saxiixay.

Muqdisho 7ta Sebteembar 2024 Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa haatan wajahaya xaalad adag oo ku aadan loolanka doorashada kusoo foodka leh, maadaama uu dhammaaday muddo xileedkiisa.

Dhaq-dhaqaaq siyaasadeed ayaa si weyn uga socda Galmudug, waxaana sidoo kale bilowday olole ay wadaan xubnaha musharixiinta ee kasoo horjeedo, kuwaas oo doonaya inay meesha ka saaraan Qoor Qoor, isla markaana uu isbeddal wayn ka dhaco Galmudug.

Arrimaha culeyska kusii badanaya madaxweyne Axmed ayaa waxaa kamid ah in deegaanada qaar ay musharixiinta ka bilaabeen ololahooda, isla markaana si weyn looga taageeray, waxaana kamid ah degmada Xarardheere, inkastoo Qoor Qoor uu tallaabo qaaday, kadibna xilkii uu ka xayuubiyay guddoomiyihii maamulka degmadaas Maxamed Yuusuf Kulmiye oo taageero u muujiyay musharraxa Liibaax Shuluq.

Sidoo kale waxaa jira siyaasiyiin saameyn leh oo 5 tii sano ee lasoo dhaafay la shaqeynayay Axmed Qoor Qoor, kuwaas oo hadda banneeyay garabkiisa, xilli uu wajahayo xaalad adag.

Siyaasiyiintaas waxaa kamid ah Cumar Shiddo wasiiru dowlihii madaxtooyada Galmudug oo dhowaan is casilay, sababo la xiriira loolanka loogu jiro doorashada ee haatan socda.

Waxaa sidoo kale haatan is casilay Axmd Shire Falagle oo la-taliye u ahaa madaxweynaha Galmudug, sidoo kalena horay usoo noqday wasiirka warfaafinta Galmudug.

Falagle oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in sababo isaga u gaar ah uu isku casilay, laakin waxaa la rumeysan in go’aankiisa uu  la xiriira arrinta doorashada Galmudug.

Hoose ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:

Anigoo ah La-taliyeyaha Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) magacaygu yahay Lataliye Axmed Shire Maxamed (Falagle) maanta oo ah Jimco bisha Septembarna Tahay 06/9/2024 waxaa Iska casilay shaqadii Lataliye Madaxweyne ee Galmudug.

Waxaa aad iyo aad ugu mahadcelinaa wada shaqayntii 5ta sano Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqor) oo marna Wasiirka Warfaafinta ii igmaday marna Lataliyenimo.

Ma jiro khilaaf iyo dhaliil Madaxweynaha iyo Aniga noo dhaxaysa Waa Saaxiibkay Shaqooyin Wax Ku Oola Wada Qabanay Inaa xilka Katago Waa Arimo aniga Ii Gaara.

Galmudug waxaan Urajeynayaa Midnimo ,Horumar,Nabad MADAXDII iyo Asxaabtii Aan Wada Shaqaynay ,iyo Shacabka Galmudug Waa Iga Cafis Cidwalba Oo  Wax aan katirsanayey Waxaana Cafis Ka Codsanaaya Inay I Cafiyaan intii wax iga tirsanayeay

Muqdisho 7ta Sebteembar 2024 Waxaa gebi ahaan hakad-galay kulamadii Golaha Shacabka Soomaaliya, sababo la xiriira xiisadda hareysay baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee ka dhalatay kala aragti duwanaashaha xildhibaannada Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in uu baaqday kulankii maanta ee Golaha, iyada oo ilaa haatan aanay jirin faah-faahin kasoo baxday guddoonka sare ee baarlamaanka.

Kulankan waxaa ka horreeyay fadhiyo kale oo baaqday todoobaadkii hore, waxayna dhammaan dib u dhacydaan muujinayaan inay istaagtay shaqadii baarlamaanka.

Sababta ugu wayn waa muranka ka dhashay arrinta Itoobiya gaar ahaan joogitaanka ciidamadeed oo laga taageeray Koonfur Galbeed, xildhibaannada kasoo jeedana ay la dareen noqdeen dadkooda, ayna soo dhaweeyeen Itoobiya.

Xaaladda ayaa isku rogtay is qab-qabsi iyo in mooshin laga diyaariyo xildhibaannada taageeray Itoobiya, balse waxaa arrinta soo farogeliyay guddoonka sare oo shaaciyay in xa laga gaaray kala aragti duwanaashihii xildhibaannada, kadib kulan ka dhacay xafiiska guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Marka laga tego baaqashada kulanka maanta ee baarlamaanka, haddane waxaa jira go’aan culus oo kasoo baxay guddoonka oo warbaahinta looga mamnuucay inay waraysiyo iyo shirar jaraa’id xildhibaannada uga duubaan gudaha iyo bannaanka xarunta Villa Hargeysa.

Amarkan ayaa toos loola wadaagay warbaahinta, gaar ahaan wariyeyaasha soo tabiyay wararka la xiriira baarlamaanka iyo doodaha xasaasiga ah ee ka jira, waxaana go’aankan si toos ah u saameynayaa shaqada warbaahinta madaxa bannaan ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu isla go’aankan uu saameynayaa xildhibaannada qudhooda oo farriimahooda kusoo gudbin jiray shirarka ay ku qabtaan xarunta baarlamaanka, maadaama maanta kadib la mamnuucay.

Shirarka jaraa’id waxaa badanaa qabanayay xildhibaannada mucaaradka ku ah dowladda kuwaas oo  dhaliilo culus u jeedinayay madaxda ugu sarraysa dalka.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa arrintan, balse waxaa lala xiriirinayaa xiisadda ka dhalatay hadalladii dhowaan kasoo yeeray xildhibaannada kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee taageeray Itoobiya, kadib shir jaraa’id oo ay ku qabeen bannaanka xarunta Golaha Shacabka, taas oo dhalisay caro xoogan.

WARARKA MAANTA 6ta Sebteembar 2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa diiday inuu dalka ciidan xoog leh yeesho Madxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inay shaqeeyaan guddiyadda madaxbanaan Madxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inay shaqeyso cadaalada dalka Madxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu xafiiska Raysal Wasaaraha shaqeeyo Madxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dasruuriga ah Madxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?? Yaa diiday #Maqaamka #Muqdisho Madxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo lacag Soomaali Madxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inay Dowladda Soomaaliya Iyo Dowlad Gobaleedyada dalka Madxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso! 

Brazil 6ta Sebteembar 2024 Garoonka diyaaradaha magaalaga São Paulo ee dalka Brazil waxaa mudo hal todobaad ka badan ku dhex xayiran dhalinyaro Soomaaliyeed oo loo diiday iney ka baxaan.Dhalinyaradaan ku dhex xaniban garoonka ayaa la sheegay in lagu amray ineysan ka dhex bixi karin gudaha garoonka inta ay ka helayaan jawaab rasmi ah oo la xarirta safarkooda.

Dhalinyaradaan ku xaniban garoonka São Paulo ee dalkaasi Brazil oo tiro ahaan gaaraya 30 ruux ayaa safarkooda waxa uu ku soo aaday, iyadoo maalin ka hor uu soo baxay sharci ay soo saartay dowladda Brazil oo la xiriiray inay joojisay qaabilaadda qaxootiga.

“Xaaladda garoonka nagu haysta waa uun sida dad xiran oo kale, dhul shamiito ah iyo qabow tiro badan uu ka jiro ayaan jiifana wax buste ah haysano oo xaaladu waa nagu adag tahay, Inteena wada socotay waxaan gaaraynaa ilaa 18 qof waxaa kale oo jira Soomaali kale oo naga soo horreeysay oo gaaraya 12 ruux, iyagana sideena oo kale ay ku jiraan waxa macquul ah inay dadka qaar labaatan bari ku sii jireen meeshaan” ayuu yiri Amiir Nuur oo ka mid ah dhalinyarada garoonka ku xayiran.

Wuxu sidoo kale xusay Amiir Nuur in markii hore garoonka ku xayirnayeen intooda Soomaalida ah, hayeshee markii dambe loo keenay dad kale oo ajaaniib ah oo sharci ahaan dhanka safarka kala mid ah.

Dhalinyaradaan Soomaalida ah ayaa markoodii hore ka safray dalka Koonfur Afrika waxayna xuseen iney kusii jeedeen dalka Mareykanka si ay halkaasi uga helaan nolol dhaanta midii ay dalkooda iyo dalka Koonfur Afrika uga soo tageen, waxayna haatan walaac ka muujinayaan xaalada ay ku wajahayaan dalkaasi Brazil.

Muqdisho 6ta Sebteembar 2024 Madaxweynaha Soomalaiya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad dheer ka jeediyey shirka Shiinaha iyo Afrika ee Beijing ka socda, wuxuuna ka hadlay arrimo badan oo xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya ay ku jirto, isagoo ugu horeyn Shiinaha ku amaanay abaabulka shirkaan weyn ee la isugu keenay madaxda Afrika, sidoo kale wuxuu ka hadlay dagaalka argagixisada ee ka socda Soomaaliya.

“Shiinaha waa saaxiib wanaagsan oo taariikhi ah oo aan dooneyno inaan xoojino xiriirka naga dhexeeya dhammaan dhinacyada faa’iidada wadaagga ah, iyadoo la raacayo qaab-dhismeedka madashan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu sheegay in si Afrika ay u gaarto  awoodeeda buuxda, inay lama huraan tahay in wadajir loo abuuro mustaqbal wadaag ah oo lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo amni caalami ah, taas oo saldhig u noqon doonta horumarinta iyo casriyeynta qaaradda.

“Maadaama maanta Afrika ay hoy u tahay inta badan colaadaha dunida, waa inaan laba laabno dadaalkeenna si aan u xakameyno rabshadaha iyo faafitaanka hubka, isla markaana aan u dhisno aasaas adag oo lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo horumar waara,” ayuu yiri.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladiisu ay si geesinimo leh ugu guuleysatay dagaallada ka dhanka ah kooxda argagixisada caalamiga ah ka haray ee Al-Shabaab iyo Daacish, isla markaana ciiidamada Soomaaliya ay si weyn u jabiyeen argagixisada, iyagoo taageero ka helaya shacabka iyo howlgalka ATMIS.

“Waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan waddamada Afrikaanka ah ee ciidanka iyo booliska ku tabarucay ATMIS, waana muuqataa in dadaalkayaga wadajirka ah iyo naf-hurnimada aan galnay ay keentay xasillooni Soomaaliya gudaheeda, Geeska Afrika, iyo qaaradda Afrika oo dhan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku sheegay in natiijada, heshiiska (MOU) ay Itoobiya la saxiixatay maamulka goboleed ka tirsan Soomaaliya uu khatar cusub ku yahay dadaalada gobolka, qaaradda iyo guud ahaan adduunka.

“Illaa hadda, dadaalkayaga ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah wuxuu sababay xoraynta in ka badan 80 magaalo, tuulooyin iyo deegaanno kale, qabashada ama dilidda hoggaamiyeyaal argagixiso oo sar-sare. Waxaan sii wadaynaa dagaalkaan ilaa laga tirtiro Al-Shabaab, waxaana shacabka Soomaaliyeed ay heli doonaan fursad ay si nabad ah ugu dhistaan noloshooda, bulshadooda, iyo qaranimadooda,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa sheegay in xilligan casriga ah ee dunida isku xiran tahay, amnigu uusan aheyn mid ku kooban xuduudaha qaaradaha, isla markaana aysan suurtagal noqon karin in la gaaro nabad waarta iyo ammaan caalami ah, iyadoo ay jirto horumar la’aan iyo fursado aan sinayn oo adduunka ah.

“Sidaa darteed, iyadoo loo marayo qorshaha madashan, waxaan rajeyneynaa in xiriirka Afrika iyo Shiinaha uu dib u eegis ku sameeyo oo uu xoojiyo dadaallada lagu dhiso laguna ilaaliyo nabadda qaaradda Afrika, iyadoo mudnaanta la siinayo qorshayaasha hormarineed,” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasab Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay si xoog leh u garabtaagan tahay  Siyaasadda Hal Shiine, isla markaana si weyn ay uga mahadcelinayso dowladda Shiinaha taageerada joogtada ah ee madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya ay u muujiso, si waafaqsan shuruucda caalamiga ah iyo qawaaniinta Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

“Soomaaliya waxay ku faraxsan tahay inay Shiinaha ku weheliso Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Janaayo 2025, iyadoo noqoneysa xubin aan joogto ahayn muddo labo sano ah. Waxaan rabnaa inaan iskaashi la sameyno dhammaan xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka, oo Shiinaha kujiro, si aan u horumarino nabadda iyo amniga caalamka,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa gabagabadii khudbadiisa yiri “Khibradda Soomaaliya waxay na tuseysaa in xasillooni-darro meel kasta ay khatar ku tahay dhamaan caalamka. Sidaas darteed, waa in aan wadajir u wajahnaa caqabadaha argagixisada iyo ammaan la’aanta, si aan u dhisno mustaqbal wadaag ah oo leh nabad waarta iyo ammaan caalami ah.”

“Nabad waarta iyo ammaan caalami ah waa arrin muhiim u ah horumarka caalamka oo dhan. Aan wadajir u gaadhno yoolkan muhiimka ah,” ayuu khudbadiisa ku soo gabagabeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shirweynaha iskaashiga Shiinaha iyo Afrika.

Gaza  6ta Sebteembar 2024 Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa sheegay in inka badan hal milyan oo qof oo ku nool bartamaha iyo koonfurta Gaza bishii Agoosto ee tagtay aysan helin sahay caafimaad iyo gargaar cunto.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in xaaladda bini’aadanimo ee Gaza ay weli tahay mid ka baxsan ama ka sareysa masiibooyinka.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in millatariga Israa’iil ay diidayaan in kooxaha caafimaadka ee xidhiidhka la leh ololaha tallaalka dabaysha ay gaaraan aagagga ku yaal koonfurta gobolka.

Xamaas ayaa ku eedaysay ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu in uu fashiliyay heshiis xabbad joojin ah oo uu diiday in uu ka soo saaro ciidammada xadka Qaza ee Masar.

40,878 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa ku dhimatay dagaalka Israel ee Gaza, halka dhaawaca la tilmaamay in uu marayo 94,454 tan iyo markii uu bilowday dagaalka ee 7-dii October ee sanadkii tagay.

Dhinaca kale, xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin in lagu guul daraystay soo afjarista heshiis xabbad-joojin ah oo ka dhaqan gala Gaza iyo in la sii daayo la haystayaasha Israa’iil ee ku jira gacanta kooxaha Falastiiniyiinta.

Walaaca golaha ammaanka ayaa imanaya, xilli ay sii kordheyso colaadda Falastiiniyiinta iyo Isra’aa’iiliyiinta, iyada oo todobaadkan lasoo helay meydadka lix ka mid ah la heystayaasha Israa’iiliyiinta iyo halka tobnaan Falastiiniyiin ah lagu dilay rabshado ka dhacay Daanta Galbeed.

Muqdisho 6ta Sebteembar 2024 Xildhibaanada ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ayaa aqbalay raali gelin uga timid xildhibaanada beelaha Hawiye, iyagoo farriin u diray dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadkii ay horay wax uga tabanayeen.

Xildhibaan Cabdirashiid Jiley oo ka tirsan golaha shacabka ayaa u hadlay xildhibaanada reer Koonfur Galbeed wuxuu sheegay in dad warkooda fursad ka dhex arkay ay abuureen xiisad weyn oo ayaga lagu dhibaateynaayo.

Xildhibaan Yuusuf Geelle iyo Senator Siciid Siyaad oo metelaya xildhibaanada, waxgaradka iyo guud ahaan bulshada beelaha Hawiye ayaa raali gelin siiyey xildhibaanadii Koonfur Galbeed ee maalmihii lasoo dhaafay warbaahinta mariyey hadallo loo arkay inay ugu hiilinayaan Itoobiya.

Shir jaraa’id oo galabta ay si wadajir ah u qabteen xildhibaanada labada garab ee is raali geliyey ayaa qolo kasta waxay cadeysay in wixii dhacay halkaas looga gudbay oo warka intaas lagu dhameeyo, bulshada Soomaaliyeed oo isku duubana laga doonayo inay dalkooda difaacdaan.

“Warkeenna dad ayaa ka arkay fursad ay Soomaali ku kala fogeyn karaan, anagu Ethiopian ma taageerin, si buuxda ayaan u aqbalnay raalli galinta xildhibaanada matalayey dadka Banaadir,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdirashiid Jiley.

Jiley ayaa sheegay in 25-kii xildhibaan ee reer K/Galbeed ee hadlay uusan xanaf laheyn war-saxaafadeedkii ay jeediyeen, isla markaana ay ka hadleen dareenka shacabkooda, balse dowlad kale aysan u hiilin.

Sidoo kale Xildhibaan Cabdirashiid Jiley ayaa sheegay in odayaashii hadlay, agaasimayaashii iyo guud ahaan bulshada gobolka Banaadir ay raali gelintooda ka qaateen, isla markaana ay diyaar u yihiin ka shaqeynta dowlad dhiska Soomaaliya.

“Bulshada reer K/Galbeed waxaan u sheegeynaa inaan ka wadashaqeyno wadajirka umadda iyo difaaca dalka, anagoo ku hadleyna afka reer K/Galbeed waxaan aqbalnay raali gelintii, idinkuna nala qaata, wanaaga iyo dowladnimada inaan ka wada shaqeyno ayaa noo balan ah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xildhibaan Cabdirashiid Jiley.

Muqdisho 6ta Sebteembar 2024 Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya ayaa kulankoodii khamiislaha ahaa waxaa maanta ay ku meelmariyeen heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Kenya, kaas oo ku saabsan iskaashiga Dalxiiska.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Daauud Aweys ayaa sheegay in heshiiskan is-afgardka uu yahay mid lagu xoojinayo iskaashiga dalxiiska ee labada dal.

Waxaa uu intaa ku daray in Kenya ay ka mid tahay dalalka Afrika ee ku fiican dhanka dalxiiska islamarkana ay heshiiskani isku afgarteen.

“Heshiiskaan is-afgarad waxaa uu ku saabsan yahay is-afrad u udhaxeeya jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya iyo jamhuuriyadda Kenya waliba dhinaca dalxiiska,” ayuu yiri Mr Aweys.

Wasiirka ayaa sheegay in ay jirto rejo dhaqaale oo mustaqbalka laga qabo dalka Soomaaliya islamarkana ay doonayaan ka faaideysiga fursadaasi.

“Dowladda fedraalka ee Soomaaliya iyada oo muhiimad siinaysa adeega dalxiiska iyo rejada dhaqaale ee laga qabo awgeed ayaa waxay soo waday barnaamijyo ku saabsan in dib loo qaabeyo dalxiiskii Soomaaliya,” ayuu yiri wasiir Daa’uud.

Dalka Kenya ayaa ka mid ah dalalka qaaradda Afrika ee ku wanaagsan dhanka dalxiiska waxaana sanad kasta soo booqda ku dhawaad 2 milyan oo dalxiisayaal ah.

Kenya waxa ay diiwaangelisay 1.96 milyan oo dalxiisayaal ah sannadkii 2023 , sida lagu xusay warbixin uu soo saaray michadka dalxiiska ee dalka Kenya .

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ayaa xusay in darasad ay sameeyeen uu uga soo baxay in iskaashi dhanka dalxiiska ah lala yeesho dalalka dariska ee ay Kenya ka mid tahay.“Sanadkii hore dowladda waxay ku guuleysatay inay sameyso daraasad ku saabsan dalxiiska Soomaaliya iyo qaabka ugu haboon oo loo hagaajin karo marka darasadaasi waxyaabaha nooga soo baxay waxaa ka mid ah iskaashi inaan la yeelano dalalka sida wayn ugu hormaray dalxiiska ee gobolka gaar ahaan dalalka dariska marka heshiiskan qeyb ayuu arrintan ka yahay,” ayuu intaa ku daray.

Maxaa ka mid ah waxyaabaha la iska kaashan doono?

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Daauud Aweys oo faahfaahin ka bixinayayay ayaa sheegay in dhinacyo badan oo dalxiiska la xiriira ay labada dal iska kaashan doonaan.

Mr Aweys ayaa xusay in dhanka tacliinta la xiriirta dalxiiska, suuqeynta iyo cilmi-baarista ay ka mid yihiin meelaha ay iska kaashan doonaan Kenya iyo Soomaliya.

“Labada wadan waxay iska kaashan doonaan dhinaca cilmi-baarista, dhinaca suuq geynt dalxiiska dhinaca waxbarshada dalxiiska,” ayuu yiri.

Wasiirka ayaa farta ku fiiqay in imikaba Soomaaliya ay leedahay adeegyo dalxiis sida hoteelo waawayn, balse loo baahan yahay in la sii casriyeeyo si caalamka loola jaan-qaado.

“Haatan-ba Soomaaliya marka la fiiriyo dhinaca adeegyada dalxiiska way ka jiraan huteelo iyo adeegyo kale laakiin waxaa loo baahan yahay in la casriyeeyo iyaga oo la jaanqaadi kara wadamada hor maray dhanka dalxiiska sida dalalka dariska ay ak mdi yihiin,” ayuu yiri Mr Aweys.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Daauud Aweys ayaa shegay in haddii dadal badan la galiyo dib u dhiska dalxiiska Soomaaliya uu dalka saami wanaagsan ka heli karo dhaqaalaha dalxiiska Afrika.

“Soomaaliya marka la eego kheyraadka ay leedahay haddii dhinacaasi si wanaagsan loogu jeesto waxaa hubaal ah in ay Soomaaliya ka heli karto saami aad u wanaagsan ee dakhligaasi dalxiiska Afrika,” ayuu intaa ku daray.

Ka hor dagaaladii sokeeye waxay Soomaaliya ka mid ahayd dalalka Afrika ee ay dad badan u soo dalxiis tagi jireen.

Isha: BBC

Puntland  6ta Sebteembar 2024 Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay warbixinta shaqooyinka laga qabtay gobolka Mudug ka dhegaystay masuuliyiinta dowladda ee ku sugan gobolka Mudug.

Mas’uuliyiintaan oo uu hoggaaminayo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha wakiillada Puntland Maxamed Ciise (Awoowe), ayna qeyb ka yihiin xubno ka mid ah goleyaasha dowladda iyo hay’adaha madaxa banaan, saraakiisha laaamaha amniga, la-taliyeyaal madaxweyne, maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo.

Waxaa madaxweynaha lala wadaagay warbixinta shaqooyinka qabsoomay iyo kuwa socda oo kala ah;

 Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay warbixinta shaqooyinka laga qabtay gobolka Mudug ka dhegaystay masuuliyiinta dowladda ee ku sugan gobolka Mudug.

Mas’uuliyiintaan oo uu hoggaaminayo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha wakiillada Puntland Maxamed Ciise (Awoowe), ayna qeyb ka yihiin xubno ka mid ah goleyaasha dowladda iyo hay’adaha madaxa banaan, saraakiisha laaamaha amniga, la-taliyeyaal madaxweyne, maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo.

Waxaa madaxweynaha lala wadaagay warbixinta shaqooyinka qabsoomay iyo kuwa socda oo kala ah;

4. Dhismaha Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Gobolka, iyadoo la dhisay Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Buursaalax iyo Xarfo, halka degmada Jariban howsheedu socoto.

5. Dhismaha Waddooyinka.

* Waxaa xariga laga jaray wejiga koowaad ee Wadada Laamiga ah ee bartamaha magaalada marta iyadoo qeybaha kale ee Wadada la qorsheeyay in la billaabo.

* Waxaa la qorsheeyay dhismaha wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Xarfo.

* Waxaa la saxiixay Heshiiska dib-u-dhiska iyo dayactirka Wadada isku xirta Gobolada Puntland oo ay wada galeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Shirkadaha dhisaya.

Ugu dambeyn, madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa boggaadiyay shaqada wanaagsan ee la qabtay oo ah ujeedooyinkii Wafdigu u yimi Gobolka Mudug, wuxuuna kula dardaarmay masuuliyiinta in la dardargeliyo shaqooyinka socda iyo kuwa qorsheysan si loo dhameystiro muddada lagu suganyahay gobolka Mudug.

WARARKA MAANTA 5ta Sebteembar 2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dasruuriga ah Madxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?? Yaa diiday #Maqaamka #Muqdisho Madxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo lacag Soomaali Madxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inay Dowladda Soomaaliya Iyo Dowlad Gobaleedyada dalka Madxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu dalka ciidan xoog leh yeesho Madxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inay shaqeeyaan guddiyadda madaxbanaan Madxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inay shaqeyso cadaalada dalka Madxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu xafiiska Raysal Wasaaraha shaqeeyo Madxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?

 Ha Wiqleyso! 

Muqdisho  5ta Sebteembar 2024 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar u fadhiya Soomaaliya, Dr. Abdullah Bin Salem Al Nuaimi.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Dankiraha ayaa yeeshay kulan diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dowladda Qatar taageerada ay siiso Soomaaliya ee dhinacyada amniga, kaabayaasha dhaqaala iyo horumarinta adeegyada asaasiga ah.

Dhankiisa, Danjiraha Qatar ee Soomaaliya Mudane Abdullah Bin Salem Al Nuaimi ayaa xusay inay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh, ee ay mar walba la garab taaganyihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Qatar ayaa si joogto ah u taageerta Soomaaliya, waxaana ka dhexeeya xiriir aan duugoobin oo Qatar ay kula jaan-qaaday marxaladaha soo kabashada ah ee Soomaaliya ay dhexda kaga jirto.

Mashaariicda ay Qatar ka fuliso Soomaaliya waxaa ka mid ah dhismayaasha jidad waaweyn oo isku xira Muqdisho iyo gobollada dalka, gaar ahaan jidadka caasimadda ku xira Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha HSidoo kale Qatar ayaa Soomaaliya ka balan qaaday fulinta mashaariic kale oo badan, maadaama dalkaan uu u baahanyahay dib u dhis badan oo burbur baaxad leh uu ka soo gaaray waayihii dowlad la’aanta.oose.

Muqdisho  5ta Sebteembar 2024 Beesha Hawiye ayaa si adag uga hortimid beegsi ay sheegtay in maamulka Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Cabdicasiis Lafta-gareen uu ku hayo beesha Gaaljecel.

Afhayeenka Beelaha Hawiye Nabadoon Cabdinuur Axmed Diiriye oo warbaahinta u akhriyay war-saxaafadeed kasoo baxay shir ay maanta beesha ku yeelatay magaalada Muqdisho, kaasi oo looga horyimid beegsiga maamulka Lafta-gareen ee beesha Gaaljecel.

Shirkaan oo ay ka qeyb-galeen duubabka waaweyn ee Hawiye, waxaana loogu baaqay maamulka Lafta-gareen inuu joojiyo ciidamada uu ku daabulayo deegaanka Yaaqbari weyne ee lagu beegsanayo beesha Gaaljecel.

“Odayaasha beesha Hawiye waxaa u cuntami weysay in awooddii maamulkaas oo dhan loo adeegsado beesha Gaaljecel,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye.

Sidoo kale waxay odayaasha dhaqanka Hawiye ugu baaqeen madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya inay soo fara-geliso arrintaan.

Odayaasha dhaqanka Hawiye ayaa waxa kale ay aqbaleen inuu sii socdo shirka looga tashanayo Shabeellaha Hoose iyo maamulka Koonfur Galbeed, iyagoo gogol nabadeed u fidiyay beelaha dega Shabeellaha Hoose oo dhan.

“Waxay odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye cadeynayaan in aysan cabasho ka aheyn qabiil ee ay cabasho ka yihiin maamulka Koonfur Galbeed, waxayna ugu baaqayaan maamulka Koonfur Galbeed inuu joojiyo beegsiga beesha gogosha maanta dhigtay ee Gaaljecel Saran-soor.”

Puntland  5ta Sebteembar 2024 Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Carruurta iyo Isku dhacyada Hubeysan, iyo Guddiga QM ee Xuquuqda Carruurta, ayaa si wadajir ah waxay ugu baaqeen Soomaaliya inay meesha ka saarto xukunka dilka carruurta iyo da’yarta kuwaasoo dil lagu xukumo sababo la xiriira inay galeen dembiyo iyagoo ay da’doodu ka yar tahay 18.

Warsaxaafadeed kasoo baxay QM ayaa lagu sheegay in khubarrada QM ay ka walaacsan yihiin aadna u cambaareynayaan dilkii 17-kii August magaalada Gaalkacyo loogu fuliyay da’yar lala xiriiriyay al-Shabaab.

“Dhammaan afarta da’yar waxay ka yaraayeen 18 xilligii ay dembiyada galayeen, sida uu xaqiijiyay Guddiga Xaqiijinta Da’da ee Puntland.

“Saraakiisha QM ayaa xusuusinaya maamulka Puntland iyo dowladda federaalka ee Soomaaliya in Cahdiga QM ee Xuquuqda Carruurta (CRC), Cahdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Badqabka Carruurta, iyo sidoo kale Dastuurka Soomaaliya, ay dhammaanba carruur ku qeexayaan qof walba oo da’diisa ay ka yar tahay 18. Dilka wuxuu meel uga dhacayaa Cahdiga Xuquuqda Carruurta, kaasoo Soomaaliya ay meel marisay sanadkii 2015,” ayay intaa raacisay warbixinta.

Saraakiisha QM ayaa sidoo kale ugu baaqay Puntland iyo dowladda Soomaaliya in carruurta lala xiriiriyo isku dhacyada hubeysan, ayna ku jiraan kuwa ay QM u aqoonsatay kooxaha argagixisada, loola dhaqmo inay yihiin dhibbanayaan.

“Waxay ugu baaqayaan maamulka Puntland inay soo afjaraan in carruurta lagu maxkamadeeyo maxkamadaha militariga iyo inay dhowraan carruurta.”

Waxaa sidoo kale war-saxaafadeedka lagu sheegay in loo baahan yahay in degdeg loo sii daayo dhammaan carruurta xiran loona soo gacan geliyo QM si dhaqan-celis loogu sameeyo.

Waxaa sidoo kale loogu baaqay Puntland inay isbeddel ku sameeyaan sharciga ka dhanka ah argagixisada si loogu dabaqo qeexidda da’da carruurta sida ku xusan Sharciga Caddaaladda Da’yarta Puntland.

Dhowaan ayay sidoo kale ahayd markii hay’adda QM u qaabilsan arrimaha carruurta ee UNICEF ay soo saartay bayaan ay ku sheegtay in maxkamad militari oo ku taalla Puntland ay dil toogasho ah ku xukuntay carruur aan wali qaanqaarin.

Maxay Puntland ka tiri?

Dowlad goboleedka Puntland ayaa beenisay eedeyntaas ay u soo jeedisay hay’adda caruurta ee Qaramada Midoobey ee UNICEF.

Wasiirka warfaafinta ee Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo BBC la hadlay markii ay soo baxday warbixinta UNICEF, ayaa sheegay in dhammaan dadka toogashada lagu xukumay ee lagu fuliyay ay ahaayeen “qaan qaarro lagu helay dambiyo.”

Waxaa uu intaa ku daray in dadka la toogtay intooda badan ay xabsiga muddo dheer ku jireen ka hor intii aan la xukumin.

“Xaqiiqda waxaa weeyaan Puntland dad carruur ah ma toogan, dadkaas la toogtay intooda badan saddex sano in ka badan ayay xabsiga ku jireen,” ayuu yiri Ceydiid.

Wasiirka ayaa sheegay in dadka la toogtay la xaqiijiyay da’dooda iyo falal dambiyeedyada ay galeen.

“Muuqaalkooda waad arkeyseen qof 30 jir ka yar kuma jirin da’dooda iyo dhalashadoodana waa la xaqiijiyay inay dad waawayn oo qaan-gaadh ah yihiin fal dambiyeedkoodana ay qirteen oo cidina ku qasbin,” ayuu inta ku daray.

Wasiirka warfaafinta ee Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa carrabka ku adkeeyay in hay’aadaha caddaaladda ay mareen dhammaan hab-raacyadii loo baahnaa ka hor inta aan xukunka lagu ridin eedeeysanayaasha.

“Qiraalkooda iyo baaritaankooda ayaa isla caddeeyay inay dinuubtaas galeen racfaana loo ogolaaday muddo saddex sana ah oo waliba mar labad iyo mar saddexaad dib loo maxkamadeeyay si baaritaanka intii uga sii xaqiiqo bato haddi ay helaan wax xujooyiin ah oo ay isku difaaco helaanloo ogaalay oo fursad la siiyay,” ayuu yiri Mr Ceydiid.

Waxay ahayd 17-kii bishan markii dil toogasho ah lagu fuliyay 10 dhalinyaro ah oo sida ay maxkamadda sheegtay lagu helay in ay al-Shabaab ka tirsanaayeen ayna ku lug lahayeen dilal ka dhcay magaalada Galkacyo.

Maxay tiri hay’adda UNICEF?

Hay’adda Qaramada u qaabilsan carruurta ee UNICEF ayaa sheegtay in ay aad uga xuntahay xukun dil ah oo dabayaaqadii todobaadkii hore lagu fuliyay afar dhalinyaro ah maamul goboleedka Puntland.

Bayaan ay soo saartay bishii August ayay ku sheegatay in dadkan lagu helay dambiyo ay galeen xilli ay caruur ahaayeen oo ay dad’doodu ka hooseysay 18 sano jir laguna eedeeyay inay al-Shabaab ka mid ahaayeen.

“Xukunnada ayaa waxaa riday maxkamado ciidan, kuwaasoo aan lahayn hab-raac gaar ah oo caddaaladda lagu mariyo carruurta, isla markaana aan ahayn meel carruurta lagu xukumo,” ayaa lagu yiri bayaanka Unicef.

Unicef ayaa xustay in guddiga xaqiijinta da’da Puntland oo ay ku jiraan wakiillo ka socday maamulka Puntland ay la kulmeen dhalinyaradan, waxaana ayna ogaadeen in ay ahaayeen dad aan qaan-gaarin xilliga la qabanayay, isla markaana aan lagu xukumi karin dil toogasho ah.

Hay’adda carruurta ee Qaramada Midoobey waxa ay ka codsatay maamulka Puntland in ay ka hortagaan xukunnada dilka ah ee la fulinayo, waxaana ay ugu baaqday in nidaamka caddaaladda loo maro dhammaan dhalinyarada aan qaan-gaarka ahan ee loo xiro in ay ku biireen kooxaha hubeysan markii ay da’doodu ka yarayd 18 sano, iyadoo la raacayo sharciga carruurta Maamulka Puntland iyo waajibaadka saaran dowladda ee ku aaddan waajibaadka caalamiga ah ee xuquuqul insaanka ee ku xusan heshiiska xuquuqda carruurta.

Bayaanka ay soo saartay hay’adda Unicef ayaa lagu yiri “Unicef waxay ku boorinaysaa maamulka Puntland in caruurta ku biiray kooxaha hubeysan ay ula dhaqmaan sidii dhibanayaal, islamarkana dib u eegis lagu sameeyo hannaanka garsoor ee hadda jira si loo hubiyo in carruurta aan la horgeyn oo lagu xukumin maxkamadaha ciidamada, ayna helaan habraac garsoor oo ku habboon waafaqsana Xeerka Caddaaladda Carruurta Puntland iyo Axdiga Xuquuqda Carruurta oo ay Soomaaliya ansixisay.

Isha: BBC

Ethopia   5ta Sebteembar 2024 Dowladda Itoobiya ayaa dejisay qorshayaal culus oo ka dhan ah Soomaaliya, kuwaas oo dadka Soomaaliyeed intooda badan aysan faham ka heysan, halka qaar ay siyaasiyiin ku jiraan oo Soomaali ah ay Itoobiyaanka ka caawinayaan hirgelinta qorshahaas.

Xildhibaano ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo ku jira Baarlamaanka Soomaaliya ayaa laf-dhabar u ah labo u jeedo oo Itoobiya ay ku niyad jebineyso Soomaalida, caalamkana ugu sheegeyso in Soomaaliya laga rabo ciidankooda, dowlada federaalkana ay ku egtahay oo ka taliso Muqdisho kaliya oo gobollada aysan maamulin.

Sidoo kale Itoobiya ayaa dooneysa inay gudaha Soomaaliya ka abuurto xiisado qabiil, si gaar ah waxaa hadda socda qorshe la isaga horkeenayo beelaha Hawiye iyo Raxanweyn, masuuliyiin reer Koonfur Galbeed ah ayey xogtaan sheegeysaa inay Itoobiyaanka la fulinayaan qorshahaan.

Labada qorshe ee Itoobiya ay wado mid waa u hirgalay oo waxay abaabushay shacabka qaar kamid ah degmooyinka Koonfur Galbeed, waxayna direen farriin ay caalamka ugu sheegayaan inay rabaan Itoobiyaanka, taasi oo dhabarjab ku ah qorshaha dowladda Soomaaliya oo dooneysa inay dalka ka saarto ciidamada Itoobiya dhamaadka sanadkaan.

Qorshaha labaad waa in la isku diro beelaha Hawiye iyo Digil iyo Mirifle, maalmo ka hor waxaa Muqdisho shir jaraa’id ku qabtay xildhibaano badan oo ka soo jeeda K/Galbeed, kuwaas oo sheegay inay la dareen yihiin shacabka ay metelaan, balse waxaa u jawaabay xildhibaano iyo siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda beelaha Hawiye.

Hadalkii xildhibaanada waxaa ka dhashay buuqii ay rabtay Itoobiya, waxayna reer Koonfur Galbeed arrinta u bedeleen mid qabiil, waxay sheegeen in Hawiye ka xigsanayo dowladnimada Soomaaliya, taasna aysan aqbali karin.

Dhanka kale, Itoobiya waxay wadaa qorshe ay ku abaabuleyso shacabka reer Gedo, si lamid ah reer Xudur ayey doonayaan inay ka soo dhex hadlaan oo halkaas ay ka dhacaan banaanbaxyo lagu dalbanayo in dalka aan laga saarin ciidamada Itoobiya.

Odayaasha dhaqanka reer Gedo ayaa qorshahaan horay uga diiday ciidmaada Itoobiya ee Gedo jooga, waxayna u cadeeyeen in aysan dooneyn inay galaan arrimaha ku saabsan joogitaankooda Soomaaliya, balse waxay bilaabeen siminaaro 3 bilood socday oo dadka ay uga dhaadhicinayaan qorshahooda.

Sida ay ogaatay Caasimada Online qorshaha Itoobiyaanka waa in maalmaha soo socda uu banaanbax lamid ah kii Xudur ka dhaco Garbahaarey iyo magaalooyinka kale ee gobolka Gedo ee ciidamada Itoobiya ay joogaan, balse lama oga sida ay ku suutageli doonto.

Muqdisho  5ta Sebteembar 2024 Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka digay wax uu ugu yeeray abaabulka qabyaaladeysan ee baryahan danbe hareeyay baraha bulshada iyo Siyaasadda Soomaaliya.

Sheekh Shariif ayaa ku eedeeyey madaxda dowladda federaalka Soomaaliya inay ku mashquulsan yihiin kala qaybinta cududda shacabka Soomaaliyeed halkii ay ka shaqayn lahaayeen isku duubnida dadka. Hoos ka aqriso qoraalka Shariif. 

WAR-SAXAAFADEED 

Waxaan aad uga xumahay abaabulka qabyaaladeysan oo baryaan danbe hareeyay baraha bulshada iyo Siyaasadda Soomaaliya, kaasoo dhawacaya wadajirka umadda Soomaliyeed iyo masiirkooda, sidaa awgeed, waxaan kadigayaa fal kasta oo dhaawici kara madaxbannaanida dhuleed, Badeed iyo cireed ee Soomaaliya, waaxana u arkaa dariiqa kaliya ee aan ku difaaci karno dalkeena inuu yahay midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, iyadoo aan loo eegayn degaan, koox iyo qabiil toonna.

Waxaan ka xumahay in madaxda dowladdu ay ku mashquulsan tahay kala qaybinta cududda shacabka Soomaaliyeed halkii ay ka shaqayn lahaayeen isku duubnida dadka. Waxaa muuqata in madaxweynaha JFS aysan u qiyaasnayn khatarta dalku ku jiro iyo sida maanta loogu baahan yahay in laga shaqeeyo tillaabo kasta oo keeni karta midnimada iyo wadaajirka Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay ku noolyihiin. 

Waxaa wax aad looga xumaado ah abaabulka iyo dhiirri-gelinta qabyaaladda huwan iyo hadalada aan habboonayn ee la isku marinaayo warbhaahinta, waxaana cad in ay meesha ka maqantahay doorkii xukuumadda oo gabtay howlihii kaga aadanaa jiheynta, mideynta iyo u abaabulka dadka soomaaliy- eed sidii ay dalkooda u difaacan lahaayeen.

Waxaan aad uga xumahay abaabulka qabyaaladeysan oo baryaan danbe hareeyay baraha bulshada iyo Siyaasadda Soomaaliya, kaasoo dhawacaya wadajirka umadda Soomaliyeed iyo masiirkooda, sidaa awgeed, waxaan kadigayaa fal kasta oo dhaawici kara madaxbannaanida dhuleed, Badeed iyo cireed ee Soomaaliya, waaxana u arkaa dariiqa kaliya ee aan ku difaaci karno dalkeena inuu yahay midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, iyadoo aan loo eegayn degaan, koox iyo qabiil toonna.

Waxaan ka xumahay in madaxda dowladdu ay ku mashquulsan tahay kala qaybinta cududda shacabka Soomaaliyeed halkii ay ka shaqayn lahaayeen isku duubnida dadka. Waxaa muuqata in madaxweynaha JFS aysan u qiyaasnayn khatarta dalku ku jiro iyo sida maanta loogu baahan yahay in laga shaqeeyo tillaabo kasta oo keeni karta midnimada iyo wadaajirka Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay ku noolyihiin. 

Waxaa wax aad looga xumaado ah abaabulka iyo dhiirri-gelinta qabyaaladda huwan iyo hadalada aan habboonayn ee la isku marinaayo warbhaahinta, waxaana cad in ay meesha ka maqantahay doorkii xukuumadda oo gabtay howlihii kaga aadanaa jiheynta, mideynta iyo u abaabulka dadka soomaaliy- eed sidii ay dalkooda u difaacan lahaayeen.

Waxaan ugu baaqayaa ummada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay ka gudbaan qabiilaysiga, is-collaysiga iyo khalaafaadka dhexdooda ah, una midoobaan difaaca qarankooda. Waxaan xasuusinayaa shacabka Soomaaliyeed inay dowladdoodii ku waayeen qabyaalad sidaa daraaddeed wakhtigaan aysan habboonayn in jidkaas xun dib loo raaco. 

Ugu danbayn waxaan ugu baaqayaa madaxda dowladdu inay wax ku eegaan indho qaran ee aysan kusoo hoos noqon wax kala dhantaalaya awoodda dadka. Marka la joogo difaaca dalka waa inay meesha ka baxdaa kanaa igasoo hor-jeeda iyo kanaan isku koox nahay. Madaxda Qaranku waa inay la yimaadaan aragtidii la isugu wadi lahaa sha- cabka loogana gudbi lahaa isu adeegsiga awoodda dowladeed.

Muqdisho  5ta Sebteembar 2024 Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyeyaal ah oo saaka aroortii hore lagu garaacay agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo si weyn looga dareemay gudaha caasimada.

Illaa 4 hoobiye ayaa la sheegay inay ku dhaceen qaar kamid ah xaafadaha degmada Wadajir, gaar ahaan kuwa u dhow garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyey in qaar kamid ah hoobiyeyaasha ay ku dhaceen xaafadda Ceelqalow, waxaana jira khasaare u badan dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah.

Hoobiyeyaasha ayaa waxaa laga maqlay degmooyinka qaar ee gobolka Banaadir, waxaana haatan socda dhaq-dhaqaaq ay wadaan laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkan.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha hay’adaha amniga oo ku aadan hoobiyeyaasha lagu garaacay agagaarka garoonka caalamiga ah ee Muqdisho.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi ah ku socda shaqada garoonka oo ma jiro wax saameyn ah oo uu ku yeeshay weerarka hoobiyeyaasha ee lala damacsanaa.

Marar badan kooxda Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale hoobiyeyaal ugu garaacday caasimada, waxaana lagu bartilmaameedsaday madaxtooyada iyo xerada Xalane.

Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli maalmihii u dambeeyay ay kooxda qaraxyo ka fulisay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

WARARKA MAANTA 4ta Sebteembar 2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxay shacabka #Soomaaliyeed u kala ttaageereen #Masar iyo #Ethiopia? Meeqo Madaxweyne ayaa ka dhex jira #Soomaaliya? Meeqo madaxweyne qabiil ayaa sheeganaaya magaca madaxweyne? Yaa madaxweyne ka noqon doona #Soomaaliya 2026? Yaa sameeyey madaxweynayaasha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya wareeriyey? Yaa diiday inuu sameeyo #Maqaamka #Muqdisho Madxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo maxkammadda Dastuuriga ah Madxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa khaa’inul waddan u magaabay Taliyaha Nabad-Sugida Madxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso! 

Galgaduud  4ta Sebteembar 2024 Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn diyaaradeed oo saacadahii lasoo dhaafay lala eegtay goobo ay ku sugnayeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ku yaala xadka gobolada Shabeellaha dhexe iyo Galgaduud. Duqeymaha diyaaradeed ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Cali Heyle oo dhaca xadka Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe, halkaas oo lasoo wariyay iney isku arursanayeen xubno ka mid ah Al-shabaab.

Duqeynta ayaa la tilmaamay iney khasaare xoog leh kasoo gaartay xubnaha Shabaab ee isku aruursanaayay goobaha la duqeeyay, hayeshee ma jirto faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan inta u dhan yahay khasaaraha gaaray kooxda.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxman Sheekh Yuusuf Alcadaala ayaa qoraal kooban uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in howlgalo socday labadii habeen ee lasoo dhaafay guulo ka gaartay dowladda.

“Hawlgallo xoogan oo ka dhan ah Khawaarijta ayaa Labadii habeen ee lasoo dhaafay laga fuliyay Galguduud, waxaa la beegsaday goobo ay ku dhuumanayeen Khawaarijta iyo Gaadiid Saanad u waday, Guul ayaana laga gaaray, faahfaahinna waad helaysaan IA” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Alcadaala.

Si kastaba ha ahaate howlgaladaan duqeynta ah ayaa kusoo aadaya, iyadoo dowladda Fedaraalka ay qorsheysay in la xoojiyo howlgalada dhanka hawada ah, kadib Shirkii Wasaaradda Gaashaandhiga dhawaan ku dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin.

Puntland 4ta Sebteembar 2024 Wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa sheegay, dowladda Masar inay danaheeda gaar ah ka leedahay faragelinta arrimaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay fursad weyn u aragto in ay danaheeda ku difaacdo Wabiga Niil. “Masar way na dhex martay, dabcan danteeda ayay leedahay, wabiga Niilkeeda ayay u dagaalamaysaa, Itoobiyana biyaha hoostooda ayay iska dhex arkeen, laakiin waxay rabtaa inay xaabo naga dhigato” ayuu yiri Wasiir Juxa.

Wasiir Juxa ayaa sheegay in Masar aysan taariikh wanaagsan ku lahayn dhismaha dowladnimada Soomaaliya. Waxa uu sheegay in xiligii ay baadi goobka ugu jireen dowladda Soomaaliya in Masar ay ka mid aheyd dalalkii xagal daacin jiray wada hadallada nabadeed ee Soomaaliya. Wuxuu sheegay inay la safan jirtay qabqablayaasha dagaalka.

Wuxuu sheegay qorshaheeda gaarka ah ee Masar inuu ku weyn yahay ujeeddada ay doonayso inay ku caawiso Soomaaliya. Wuxuu sheegay imaanshaheeda Soomaaliya inuu keeni karo khatar aad u wayn.

Si kastaba ha ahaatee, Masar ayaa ka mid ah dalalkii ballanqaaday inay ciidammo u soo dirayaan Soomaaliya, si ay qayb uga noqdaan howlgalka cusub ee nabad ilaalinta ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa heshiis iskaashi dhanka difaaca ah la saxiixday Masar, iyadoo Itoobiya ay walaac weyn ka muujisay arrintan. Itoobiya ayaa imaanshaha Masar ee Soomaaliya ku tilmaantay mid khatar weyn ku ah xasilloonida Geeska Afrika.

Muqdisho 4ta Sebteembar 2024 Afhayeenka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa galabta shir jaraa’id qabtay, isagoo shaaciyey in lasoo qabtay dad badan oo loo heysto dhac dadweyne, kuwaas oo shabakad lacag badan dhacday ay ku jirto.

Kiisaska uu boolisku soo bandhigay waxaa ugu weyn in lasoo qabtay rag dhacay 10 kun oo doollar, waxaana ku socota baaritaan, sida uu sheegay Afhayeenka Booliska.

“Waxaa lasoo qabtay dad dhacay lacag gaareysa 10 kun oo doolar, kuwaas oo ahaa shabakad isku xiran oo dadka ku dhacay qaab farsameysan, baaris ayaana ku socota ayuu yiri Afhayeenka Booliska.

Afhayeenka ayaa xaqiijiyay in ciidamada ammaanka ay soo qabteen burcaddii ugu badneyd, kadib howlgallo qaatay laba toddobaad oo laga sameeyay gudaha caasimada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu tirada dadka lasoo qabtay ku sheegay inay gaarayaan 70 ruux oo qaarkood kasoo muuqday baraha bulshada, iyaga oo gaysanaya dhac toos ah.

“Ilaan 70 oo isugu jiro dhac hubeysan iyo dad dhacay lacag gaareyso $10 kun oo shabakad ahaa si farsameysan uga dhacay dadkii lahaa hantidaas ayaa lasoo qabtay,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska.

Cabdiftaax Aadan Xasan ayaa sidoo kale xusay in dhammaan dadkan la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Dadkan waxay isugu jiraan kuwa toos maxkamadda loo horgeyn doono oo cadeyntoodii wata iyo kuwa baaris ay u dhiman tahay, lana caddeyn doono dambigooda” ayuu hadalkiisa raaciyay Afhayeenka Booliska.

China 4ta Sebteembar 2024  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Eritrea Isaias Afwerki ayaa kulan-doceed ku yeeshay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha oo shir weyn ay uga qeyb gelayaan.

Kulanka labada Madaxweyne ayaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha Gobolka.

Sidoo kale labada Madaxweyne ayaa xoojiyey ahmiyadda iskaashiga dagaalka lagula jiro argagixisada iyo sare u qaadida danaha istaraatijiyeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Eritrea.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha, halkaasi oo uu kaga qeyb galayo Shir madaxeedka Afrika iyo Shiinaha.

Shirkan oo muhiimad weyn u leh xiriirka labada dhinac ee Afrika iyo Shiinaha ayaa lagu gorfey doonaa iskaashiga dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, ganacsiga, warshadaha, caafimaadka iyo amniga.

Waxaa xusid mudan in shirkaas uu ka qeyb gelayo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, xili uu taagan yahay khilaaf adag oo ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana suurtagal ah in kulamo ay Shiinaha ku dhex maraan dhinacyada ama ugu yaraan ergo ka kala socota.

Sidoo kale waxaa shirkaas ka qeyb gelaya madaxweynayaasha Masar iyo Eritrea oo sida Soomaaliya uu khilaaf qarka u saaran gacan ka hadal kala dhexeeyo Itoobiya, waxaana socda isku day qaar kamid ah madaxda Afrika ay ku doonayaan inay ku dhex-dhexaadiyaan dalalka gobolka ee is khilaafsan.

Ethiopia  4ta Sebteembar 2024 Dowladda Itoobiya oo haatan xiisad xoogan ay kala dhexeyso dalalka Soomaaliay iyo Masar ayaa qaaday tallaabo uga sii dari karto xiisadda haatan taagan, taas oo laga cabsi qabo inay dagaal isku rogto.

Maamulka Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa hadda qaaday dhabihii dagaalka, wuxuuna soo badhigay hub culus oo ay ku jiraan Gantaallada Balastikada ee M-20, waxayna tani muujineysaa in Itoobiya ay markan diyaar garowday dagaal toos ah.

Wararka ayaa sheegaya in gantaalladan oo Sawirradooda lagu baahiyay baraha bulshada iyo ciidamo la geyn doono magaalooyin u dhow xadka Soomaaliya, gaar ahaan D.D.S.

Sidoo kale Itoobiya waxa ay 24-kii saac ee lasoo dhaafay sameysay dhaq-dhaqaaq xoogleh oo ay uga jawaabeyso tallaabooyinka ay qaadaan Soomaaliya iyo Masar oo dhowaan wada gaaray heshiis difaac, sidoo kalena ku ballamay in Masar ay ciidamo usoo dirto gudaha Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa sii hurin karta xiisadda haatan ka taagan gobolka oo ku dhow in la’is fara saaro, maadaama dhinacyadu uu mid kasta sameynayo dhaq-dhaqaaq iyo abaabul ciidan.

Dhankooda Soomaaliya iyo Masar ayaa go’aan ku gaaray inay si wadajir ah u sameeyaan dhoolatus milatari, xilli ay xiisad xooggan ka taagan tahay gobolka.

Dhoolatuskan ayaa la filayaa in la qabto bishan dhexdeeda, ayada oo ay ka qeyb qaadan doonaan ciidamada dhulka, cirka iyo badda ee labada dal, sida laga soo xigtay illo dhanka ammaanka oo ku dhow Masar.

“Dhoolatusku wuxuu diri doonaa fariin cad oo ku saabsan sida ay nooga go’an tahay iskaashiga iyo ilaalinta Soomaaliya. Waxay macnaheedu noqon doonaan wax ka badan kaliya dhoolatus dagaal,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha ammaanka dalka Masar.

Si kastaba, dhoolatuskan ayaa isna u muuqda mid sii kordhin karo xiisadda u dhaxeysa labada dal ee Jaamacadda Carabta iyo Itoobiya, sida ay saraakiisha ammaanku sheegeen.

Muqdisho 4ta Sebteembar 2024 Qaramada Midoobay ayaa Talaadadi shalay ugu baaqday Dowladda Soomaaliya, in ay carruurta ka yar da’da 18-ka sano ee lagu xakumo dilka toogasho aanan lagu fulin ciqaabtaasi.

Bayaan ay si wada jir ah u soo saareen Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta iyo colaadaha hubaysan, iyo Guddiga Qaramada Midoobay ee xuquuqda carruurta, ayay ku sheegeen in ay aad uga walaacsanyihiin isla markaana ay si adag u cambaareynayaan xukun dil ahaa oo 17-kii bishi na dhaaftay ee August ee sannadkaan 2024-ka lagu fuliyay afar dhallinyaro ahaa, taas oo ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee Puntland.
Dhallinyaradaasi da’da yaraa ayaa lagu helay danbiyo ay galeen inti ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.

Dhammaan afarta wiil ee dhalinyarada ahaa ee la toogtay ayay da’doodu ka yareeyd 18 sano, xilliga ay dambiyada galeyeen sida ay xaqiijiyeen guddiga xaqiijinta da’da ee Puntland.

Saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa bayaankooda ku sheegay, in maamulada Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xasuusinayaan, in Axdiga Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Carruurta, Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta iyo sidoo kale Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, ay dhammaan ku qeexan yihiin, in ilmo uu yahay qof kasta oo da’diisu ka yar tahay 18.

Saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo dhammaan carruurta ku xiran xabsiyada, isla markaana loo gacan geliyo Qaramada Midoobay si carruurta looga taageero dhaqan celinta.

Isha: VOA

WARARKA MAANTA 3da Sebteembar 2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxay ka wada hadleen guddiga amniga qaranka iyo Madxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay #Masar ciidan keento #Soomaaliya ma labada aqal ee laaluushka ku ansixiya mise amarka Madxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Maxay #Shabaab Iyo Dowladda Soomaaliya ku heshiiyeen? Maxaa cusub? Maxaa dhici doona? Yaa shacabka #Muqdisho ku soo rogay cashuur dheeraad ah? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee #Soomaaliya? Maxuu ku fashilmay Madxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Ha Wiqleyso! 

Muqdisho 3da Sebteembar 2024 Wasiiradda Gaashaandhiga dalalka Turkiga iyo Soomaaliya ayaa kulan la xariiray xoojinta iskaashiga iyo difaaca amniga labada ku wada yeeshay magaalada Ankara ee dalkaasi Turkiga.

Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa dhiggiisa dalka Turkiga Yaşar Güler la wadaagay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan dhinaca amniga iyo howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

“Waxaan maanta xrunta Wasaaradda Gaashaandhiga Türkiye kulan miro dhal ah kula yeeshay dhiggeyga Mudane Yasar Güler iyo Wasiirka Tamarta & Kheyraadka Dabiiciga, Mudane Alparslan Bayraktar. Waxaan ka wada hadalney horumarinta arimaha Difaaca iyo horumarinta dhaqaalaha ee labada dal ee walaalaha ah ee Türkiye iyo Soomaaliya” ayu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur.

Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga Yaşar Güler ayaa sheegay dhankiisa in dowladda Turikiga diyaar u tahay dardargelinta heshiiska labada dal ay horay u wada galeen, islamarkaana  Xukuumadda Ankara ay fulineyso balan qaadayadii waxyaabihii ay ku heshiiyeen Soomaaliya.

Ugu dambeyntii dalka Turkiga ayaa Soomaaliya ka garabsiiya dhinacyada amniga, dhaqaalaha, tababarka iyo qalabaynta ciidanka, Caafmaadka, Waxbarashada iyo waxyaabo kale tan iyo wixii ka dambeeyay sanadkii 2011-kii oo uu si rasmi ah u soo bilawday xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dowladooda.

Muqdisho 3da Sebteembar 2024 Masar iyo Soomaaliya ayaa go’aan ku gaaray in ay dhoolatus milateri oo wadajir ah ku sameeyaan Soomaaliya, dhoolatuskaas oo u muuqda mid muujin kara in uu sii kordhin karo xiisadda u dhaxeysa labada dal ee Jaamacadda Carabta iyo Itoobiya, sida ay saraakiisha ammaanka u sheegeen The National. Dhoolatuskan oo la filayo in la qabto bishan, ayaa waxaa ka qayb qaadan doona ciidamada dhulka, cirka iyo badda ee labada dal, sida laga soo xigtay ilo ammaanka gobolka ah oo ku dhow Qaahira. Si kastaba ha ahaatee waxay ka gaabsadeen inay shaaciyaan taariikhda dhoolatuska, muddada uu soconayo iyo tirada ciidamada ku lugta leh.

“Dhoolatusku wuxuu diri doonaa fariin cad oo ku saabsan sida ay nooga go’an tahay iskaashiga iyo ilaalinta Soomaaliya. Waxay macnaheedu noqon doonaan wax ka badan kaliya dhoolatus dagaal,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha ammaanka dalka Masar. “

Warka ku saabsan dhoolatuskan wadajirka ah ayaa soo baxay maalin uun ka dib markii Masar ay sheegtay inay qoraal u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyadoo ka hortimid siyaasadda halka dhinac ee Itoobiya ee ku aaddan biyo xidheenka Gerd.

Qaahira ayaa diidday inay Ethiopia ku sii socoto dhamaystirka dhismaha biyo xidheenka iyo buuxinta kaydkeeda iyada oo aan lagala tashan dhinaca Masar.

Masar iyo Itoobiya ayaa muddo toban sano ka badan ku muransanaa dhismaha biyo-xireenka weyn ee Niil, kaasoo ay Qaahira sheegtay inuu hoos u dhigayo saamiga muhiimka ah ee ay ku leedahay biyaha Niil.

Somaliland 3da Sebteembar 2024 Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta la geeyay xasaanad ka xayuubinta Xildhibaan Maxamed Abiib Yuuusuf, oo shalay la xiray.

Mudaneyaasha golaha ayaa cod aqlabiyad ah ku diiday xasaanad ka xayuubinta la geeyay golaha, ayada oo sidaas uu ku burau qorshaha xukuumadda Muuse Biixi ay rabtay inay golaha uga saarto Abiib.

57 xildhibaan oo saaka ka soo xaadiray golaha ayaa 3 muddane oo kamid ah ogolaadeen in maamuus ka xayuubin lagau sameeyo xildhibaan Maxamed Abiib, halka ay diideen 51 xildhibaan.

Sidoo kale waxaa ka aamusay 2 muddane, iyada oo guddoomiyuhuna uusan codeyn, waxaana sidaas kusoo dhamaatay soo jeedintii xeer ilaalinta ee maamuus ka xayuubinta xildhibaan Maxamed Abiib.

Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa shalay lagu xiray magaaladda Hargeysa, illaa haddana golaha wakiilada arrintaan kama bixin faah-faahin, marka laga imaado inuu cod aqlabiyad ah ku diiday qorshihii xukuumadda rabtay in golaha looga saaro Abiib.

Xildhibaanka ayaa hadda waxa uu ku xiran yahay xabsiga Mandheera, oo u dhexeysa magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, sida ay sheegeen xubno kala duwan oo ka tirsan xisbiyada iyo ururada mucaaradka.

Xabsigan ayaa ay mid fac weyn oo ilaa berrigii kacaanka dadka lagu xiri jiray, waana xabis horey loogu xiray siyaasiiyiin badan oo reer Somaliland ah.

Waa xabsi badanaa la la doonto dadka la doonayo in aanan la booqan ama laga yaabo in xarigoodu horseedo booqashada iyo isu-imaatinka dad badan.

Si kastaba, dastuurka iyo xeerarka Somaliland ma ogola in la xiro mudane ka tirsan golaha wakiilada ilaa inta marka ugu horreyso laga qaadayo xasaanada, waana midda maanta soo dadajisay in xukuumadda ay golaha geyso xasaanad ka xayuubinta Abiib, taas oo socon weysay kadib markii ay ka codeeyeen inta badan xildhibaannada.

Muqdisho 3da Sebteembar 2024 Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta lasoo taagay qoys lacago badan u aruuriyey kooxaha Khawaarijta ah, qoyskaan ayaa ka kooban Aabe labadiisa xaas iyo gabadhiisa.

Lacag dhan $12,615,109.9 ayuu qoyskaan akoonadiisa u marsiiyey Al-Shabaab, waxaana ogaatay dowladda Soomaaliya.

Akoonada la marsiiyey lacagtaan ayaa ku dhow 10, waxaana la keenay cadeymo muujinaya in lacagtaas ay gacanta u gashay Al-Shabaab, sida uu cadeeyey xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.

Aabaha reerka waxaa la weydiiyey lacagta ay Shabaab sii jireen markii uu u sameeyo hal akoon, iyadoo la adeegsanayo magaciisa, wuxuuna sheegay in lasii jiray 25 doolar oo kaliya.

“Dalaal ayaan ahaa, waxay Shabaab igu dhaheen noo soo sheeg guryaha beeca ah iyo kuwa la iibsado, waxaa jira rag sideyda oo kale ula shaqey jiray,” ayuu yiri eedeysane Xasan oo ah Aabaha reerkaan lii heysto maalgelinta Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay in akoonada lagu sameeyey magacyada gabdhahaan uu isagu ka dalbaday, isagoo sheegay in wax baqdin ah uusan ka qabin dowladda, isla markaana uusan ogeyn in la ogaan karo.

Howlaha wadashaqeynta qoyskaan iyo Al-Shabaab ayaa socday muddo lix bilood ah, waxaana akoonadooda lagu gudbiyey lacag ka badan 13 milyan oo gashay gacanta Al-Shabaab, sida uu sheegay dembi oogaha kiiskaan

Muqdisho 3da Sebteembar 2024 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay qaar kamid ah diblomaasiyiinta caalamiga ah ee Muqdisho ku sugan, isagoo warbixin ka siiyey xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee gilgileysa gobolka.

Kulamada oo gaar ahaa ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh maanta la yeeshay xubno ay ka kid yihiin Ergeyga joogtada ah ee Denmark u fadhiya Qaramada Midoobay Ms. Christina Markus Lassen, safiirka Denmark ee Soomaaliya Steen Sonne Andersen iyo Agaasimaha siyaasadda horumarinta iyo maaliyadda ee Afrika Mr. Ketil Iversen Karlsen.

Villa Somalia waxay qoraal Twitter-ka lagu baahiyey ku sheegtay in kulamadaas looga wadahadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga istiraatijiyadeed ee Soomaaliya iyo Denmark ee dhinacyada amniga, isbeddelka cimilada, dowlad-dhisidda, iyo horumarka.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen xubno xog ogaal ah, Madaxweynaha iyo diblomaasiyiinta uu maanta qaabilay ayaa kulamadooda diiradda ku saaray xiisada Itoobiya iyo Soomaaliya, waxayna madaxweynaha la wadaageen walaaca ay qabaan iyo in wadahadalku uu xal u yahay xiisadaan.

Waxaa jiray kulan kale oo isla maanta uu Xasan Sheekh xafiiskiisa kula yeeshay Safiirka dalka Sweden u fadhiya Soomaaliya Joachim Waern, kaasi oo si gaar ah ula kulmay Madaxweynaha.

“Madaxweynaha iyo danjiraha intii uu socday kulankooda waxay sahmiyeen siyaabaha loo sii wanaajin karo iskaashiga Soomaaliya iyo Sweden ee dhinacyada muhiimka ah ee danaha iyo faa’iidada u leh labada dhinac,” ayaa lagu yiri qoraal ay madaxtooyadu ka soo saartay kulankaas.

Xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa hadda weli joogta dagaal adag oo diblomaasiyadeed, waxaana muuqata in Soomaaliya ay ku adkaatay dagaalka diblomaasiyada, isla markaana ay dunida tustay inay Itoobiyaanku qaldan yihiin.

Markaan waxaa laga cabsi qabaa inuu bilowdo gacan ka hadal, maadaama dalal kale oo Masar iyo Turkiga ay ugu horeeyaan ay soo farogiyeen xiisadda, isla markaana soo garab istaageen Soomaaliya, iyagoo dalka keensaday ciidan, diyaarado iyo dabaabaad ciidan.

Israa’iil  3da Sebteembar 2024 Hogaamiyaha Israel Benjamin Netanyahu ayaa dib isaga riixay cadaadis gudaha iyo dibadda uga yimid Isniinti, kaas oo looga dalbanayo in uu aqbalo heshiis xabbad-joojin ah oo uu la gaaro Xamaas, si loo dhameeyo coladda Gaza iyo in dib Isra’il loogu celiyo la heystayaasha reer Isra’il ee ku sugan Gaza.

Cadaadiskan ayaa yimid, kaddib marki lix ka mid ah la heystayaasha meydadkooda laga helay god dhulka hoostiisa ah oo ay ku hayeen Xamaas. La heystayaasha ayaa la sheegay in la dilay wax yar ka hor inta aysan ciidamada Isra’il gaarin halka lagu hayay.

Natanyahu ayaa sheegay in aysan jirin cid uga dadaal badan sii deynta la heystayaasha, isla markaana uusan aqbaleyn in arrintaasi loogaga khudbeeyo.

Wuxuu kaloo ku celiyay in Isra’il ay dib ula wareegeyso Marinka Gaza, gaar ahaan dariiqa loo yaqaanno Philadelphi ee isku xira Rafax iyo Masar, halkaas oo uu sheegay in ay tahay marinka Xamaas loo soo mariyo hubka.

Xamaas iyo Masar labaduba waa ay beeniyeen eedda Natanyahu.

Boqollaal kun oo Israa’iiliyiin ah ayaa habeenki Axadda ku mudaaharaaday magaalooyinka waaweyn, iyaga oo dalbaday in xukuumadda Natanyahu ay aqbasho heshiiska xabbad-joojinta Gaza si loo soo daayo la heystayaasha

Mudaaharaadyo kale ayaa xalay ka dhacay bannaanka guriga Natanyahu ee bartamaha Qudus, iyo sidoo kale bannaanka hore ee xisbiga Likud ee uu hoggaamiyo Natanyahu.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Isniintii sheegay in Natanyahu uusan shaqo wax ku ool ah ka qaban wadahadallada heshiiska xabbad-joojinta iyo sii deynta la heystayaasha. Isaga oo sheegay.

Dhanka kale, Dowladda Ingiriiska ayaa Isniinti ku dhawaaqday in ay joojineyso qaar ka mid ah hubka ay u dirto Isra’il, sababo la xiriira iyada oo ka baqeysa in ay ku jabiso xeerarka caalamiga ah.

Muqdisho 3da Sebteembar 2024 Wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta XFS Ambassador Daahir Maxamuud Geelle oo ka hadlay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa sheegay arrin ay kasoo horjeedan Itoobiyaanka.

Danjire Geelle ayaa sheegay in Itoobiya ay kasoo horjeedo, isla markaana ay dhib ku tahay in Soomaaliya ay dhisato ciidan awood leh.

“Itoobiya waxay kasoo horjeedaa oo dhib ku ah in Soomaaliya ay dhisato ciidan awood leh, waana midda ay ka jiifan la’dahay,” ayuu yiri wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya Amb. Daahir Maxamuud Geelle.

Sidoo kale wuxuu intaas sii raaciyay in daan-daansiga Itoobiya uusan salka ku hayn heshiiska lala galay Masar, balse ay diiddan tahay in ay Soomaaliya xoog yeelato ama amni iyo horumar ay gaarto.

Ugu dambeyntiina wuxuu sheegay in Itoobiya ay ka dhaadhici la’dahay “in aynu nahay laba dal oo deris ah oo aynu nabad ku wada noolaano iyo in ay Soomaaliya u madax-banaanan karto danaheeda guud iyo cidda ay xiriirka la samaysanayso.

Xiisadda labada dal ayaa sare u kacday todobaadkan markii ay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya soo gaareen labo diyaaradood oo nooca C-130 oo laga leeyahay dalka Masar.

Tallaabadan ayaa muujineysa billowga heshiiskii horraantii bishii August la saxiixay markii madaxweynaha Soomaaliya uu booqasho ku tagay magaalada Qaahira.

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masaari ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika dhamaadka sanadkan, iyadoo 5,000 oo kale la sheegay in si gaar ah loogu daabuli doono, taas oo durba oo walaac xooggan ay ka muujisay Itoobiya.

WARARKA MAANTA 2da Sebteembar 2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa xasaanad qaadi kara? Ma ma jirtaa Maxkammad Dastuuri ah? Maxuuse Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” u diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Iyo #Maqaamka #Muqdisho? Maxayse tahay sababta ciidanka loogu hanjabay Guddoomiayaha Aqalka hoose Mudane Aadan Madobe “Afrr-Jeeble? Maxayse tahay warqada uu soo qoray Madaxweyne hore Mudane Maxamed Farmaajo “Been-Hawaas”? Maxayse ku kala tageen Farmaajo Iyo dilaagii u hayey Hay’adda Nabad-Sugida Fahad Yaasiin “Daba-Naasle”? Yaa runta qarin kara? Maxaase warbaahinta u kashiftaa fashalka #dowladda Soomaaliya? Maxayse tahay mooshinada soo kordhay? Yaase u hanjabay Guddoomiya Mudane Aadab Madoobe? Ha Wiqleyso! 

Muqdisho  2da Sebteembar 2024 Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Aqalka Hoose oo tiradooda lagu qiysaasay afartameeyo, ayaa la xaqiijiyay inay diyaariyeen mooshin lagu dalbanayo in xasaanadda looga qaadayo 25 xildhibaan.Xildhibaanada mooshinka laga diyaariyay ayaa lagu eedeeyay inay ku kaceen tallaabo kasoo horjeedda qarnimada Soomaaliyeed, ka dib markii ay taageereen dibadbaxyo lagu taageerayay joogitaanka ciidamada Itoobiya, kaasoo ka dhacay 2 degmo oo ka tirsan gobolka Bakool.

Mooshinkan ayaa la sheegay in aanu weli qabanin guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Aadan Madoobe, inkastoo xildhibaanada soo diyaariyay ay culays ku saarayaan inuu guddoomiyuhu ka guddoomo mooshinka ay wadaan.

Warar aanu saakay helayno waxay sheegayaan in guddoomiyaha baarlamaanka uu baajiyay fadhigga maanta uu yeelan lahaa baarlamaanka, sababa la xiriira buuqa ka dhashay xildhibaanada mooshinka wada.

Xildhibaanada wada mooshinka ayaa lagu eedeeyay inay madaxtooyadu gadaal ka riixayso, si loogu guulaysto in tallaabo laga qaado xildhibaanada taageeray joogitaanka ciidamada Ethiopia.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xildhibaan C/rashiid Maxamed Nuur Jiilley ka eryay Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsanaa Caafimaadka iyo Nafaqeynta.

Ergayga la eryay ayaa kamid ahaa xildhibaanada taageeray ciidamada Ethiopia, wuxuu sidoo kale kamid yahay 25 xildhibaan  oo la doonayo in xasaanadda laga qaado.

Muqdisho  2da Sebteembar 2024 Waxaa socda qorshe xasaasi ah oo xasaanadda looga xayuubinayo 20 xildhibaan oo ku dhiiraday inay taageeraan Itoobiya oo duulaan ku ah qaranimada Soomaaliya, waxayna Caasimada Online heshay liiska magacyada xildhibaanadaas oo loo heysto dembi qiyaano qaran ah iyo qabiilada ay kasoo jeedaan.

Waxaa Muqdisho ka socda kulamo xasaasi ah oo ku saabsan arrintaan, liiska 20-kaan xildhibaan ayaa loo gudbiyey guddoonka golaha shacabka, waxaana suurtagal ah in arrintaan waanwaan laga galo, maadaama ay socdaan dadaalo badan, xildhibaanada qaarna ay sheegeen inay qaldameen oo raali gelin bixinayaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mid kamid ah 20-kaas Xildhibaan xafiiskiisa ka eryey, waxaana Cabdirashiid Jily oo akhriyey warsaxaafadeedkii xildhibaanada ka soo jeeda Koonfur Galbeed ee taageeray Itoobiya, Xildhibaan Cabdirashiid ayaa ahaa Ergeyga Madaxweynaha u qaabilsan arrimaha caafimaadka.

Liiskaan hoose ka akhriso magacyada iyo qabiillada 20-ka xildhibaan ee qarka u saaran in xasaanada laga xayuubiyo ee lagu soo oogo dembi qiyaano qaran ah:

1. Xildhibaan Dr. Abdirashid Mohamed Nor (Jilley) – Mirifle/Jiroon
2. ⁠Xildhibaan Alwiya Sayid Abdullahi – Digil/Geledi
3. ⁠Xildhibaan Luul Ibrahim Omar Hassan  – Digil/Dabare
4. Xildhibaan Sahur Haji Ulusow Hassan – Digil/Shanta Caleemood
5. ⁠Xildhibaan Abdirahman Isaaq Mohamed – Mirifle/Eylo
6. ⁠Xildhibaan Abdikadir Abdirahman Dhure – Digil/Garre
7. ⁠ Xildhibaan Ali Sheikh Mohamed Nur – Digil/Shanta Caleemood
8. ⁠ Xildhibaan Hassan Abdi Noor Abdi – Mirifle/Geledle
9. ⁠ Xildhibaan Maryan Mohamed Ali – Digil/Jiido
10. ⁠ Xildhibaan Mohamed Adan Mohamed – Mirifle/Heledi
11. ⁠ Xildhibaan Mohamed Wardere Adan – Mirifle/Reer Dumaal
12. Xildhibaan Sadiq Abdullahi Abdi Hassan – Mirifle/Hubeer
13. ⁠ Xildhibaan Aweys Hussein Moalim – Beesha Shanaad/Hintire
14. ⁠ Xildhibaan Abdalla Hussein Ali – Dir/Biimaal
15. ⁠ Xildhibaan Farhia Mohamed Abdi – Dir/Biimaal
16. ⁠ Xildhibaan Abdullahi Mohamed Ali – Mirifle/Yantaar
17. ⁠ Xildhibaan Mukhtar Ahmed Hassan Saajid – Hawiye/Wacdaan
18. ⁠ Xildhibaan Abdulkadir Sh Ali Baraka – Mirifle/Garwaale
19. ⁠ Xildhibaan Ahmed Mashruuc – Daarood/Ogaadeen
20.  Xildhibaan Mohamed Hassan Mohamed Murjaan – Digil/Tunni

Muqdisho 2da Sebteembar 2024  Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda ay isaga baxeen guud ahaan degmada Xarardheere oo maalmahaan ay ka taagnayd xiisad ka dhalatay xilka qaadis dhowaan lagu sameeyay guddoomiyihii maamulka degmadaas, Maxamed Yuusuf Kulmiye.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in ciidamada hubeysan ee deegaanka laga saaray goobihii ay kaga sugnaayeen degmada Xarardheere, si loo qaboojiyo xaaladda magaaladaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in amar sare oo kasoo baxay madaxda dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug looga fogeeyay ciidamada Macawiisleyda magaaladaasi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa isna magaalada Muqdisho soo aaday guddoomiyihii xilka laga qaaday Maxamed Yuusuf Kulmiye oo weli diidan xilka qaadista uu ku sameeyay madaxweyne Qoor Qoor.

Shalay waxaa Xarardheere ka dhacay dagaal kooban oo dhex-maray ciidamo taabacsan guddoomiye Kulmiye iyo kuwa kale oo la socday guddoomiyaha cusub ee lasoo magacaabay, kuwaas oo ay is rasaaseyn ku dhex-martay halkaasi.

Khilaafka xilka looga qaaday guddoomiyihii hore ee Xarardheere, isla markaana dhaliyay xiisadda taagan ayaa ka dhashay hadal uu maalmo ka hor sheegay, xili uu magaaladaas ku soo dhaweynayey musharax Madaxweynaha Galmudug Liibaan Shuluq oo Xarardheere tegay.

Guddoomiye Maxamed Yuusuf Kulmiye ayaa maalinkaas sheegay in Galmudug ay ku jirto muddo kororsi, isla markaana loo baahan yahay in deg deg doorasho loo aado, basle maalintii xigtay ayuu raali gelin ka bixiyey hadalkiisii, isagoo sheegay in Galmudug uu ka taliyo Axmed Qoor Qoor, hadalkaasna uu ku qaldanaa.

Si kastaba, xaaladda murugsan ee degmada Xarardheere ayaa laga digayaa sii socoshadeeda, maadaama ay saameyn karto dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab oo horay looga xoreeyay magaaladan, kadib sanado ay maamulayeen.

Muqdisho  2da Sebteembar 2024 Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa beenisay in dal kale lagu wareejinayo maamulka hawada Soomaaliya kadib markii ay soo baxeen warar sidaas sheegaya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal uu xalay soo saaray ku yiri “Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaan uga digaynaa hirgelinta qorshaha la xiriira in dal shisheeye ay ku wareejiyaan maamulka hawada Soomaaliyeed, taas oo ah tallaabo dhaawacaysa qarannimada iyo madaxbannaanida Soomaaliyeed.” 

Waxa uu intaas ku daray “Gacan ku haynta maamulka hawadu waa arrin taabanaya amniga Qaranka iyo madaxbannaanida dalkeenna, damaca haatan socoda ee Imaaraadka Carabta loogu wareejinayona waxa uu dib u celinayaa dadaallada naf hurka ahaa ee dib u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed.” 

“Waxaa nasiib darro ah in dano shakhsi ah oo aan laga fiirsan awgeed maanta loo burburiyo dhaxalkaas ay wadaagaan shacabka Soomaaliyeed.”

Si kastaba warkaas ayaa waxaa beeniyey Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya. 

“Hawada Soomaaliya waa astaan qaran, waxayna sameysay horumar lataaban karo tan iyo markii ay kusoo laabatay gacanta Dawladda Soomaaliya. Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay ummadda Soomaaliyeed u caddaynaysaa in aanay suurtogal ahayn in HAWADA dalka ay gacan kale umaamusho Soomaaliya mana jiro qorshe ay Dawladdu ogtahay oo arintaa suurtogal kadhigi kara,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’adda. 

Warar maalmahan la isla dhex-marayey ayaa sheegayey in Imaaraadka Carabta lagu wareejinayo maamulka hawada Soomaaliya, balse wararkaas ayaa ahaa kuwa aan sal adag lahayn.

Waxaa sidoo kale jiray warar sheegayey in lacagaha hay’adda ay ka hesho diyaaradaha maraya hawada Soomaaliya lagu shubo akoono dibadeed oo ku yaalla Imaaraadka Carabta, kuwaas aan weli caddeymo loo hayn.

Muqdisho  2da Sebteembar 2024  Isbaheysiga Milatari ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Masar ayaa ka socda Geeska Afrika, taas oo Itoobiya si gaar ah uga careysiisay, waxaana jira walaac laga qabo in iskaashigu uu noqdo mid ka badan dagaal afka ah.

Xiisaddan ayaa sare u kacday todobaadkan markii ay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya soo gaareen labo diyaaradood oo nooca C-130 oo laga leeyahay dalka Masar.

Tallaabadan ayaa muujineysa billowga heshiiskii horraantii bishii Agoosto la saxiixay markii madaxweynaha Soomaaliya uu booqasho ku tagay magaalada Qaahira.’

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masaari ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika dhamaadka sanadkan, iyadoo 5,000 oo kale la sheegay in si gaar ah loogu daabuli doono.

Itoobiya, oo kamid ahayd dalalka caawinayay Soomaaliya marka ay noqoto dagaalka lagula jiro dagaalyahannada xiriirka la leh Al-Qaacida, isla markaana ay Masar isku hayaan biyo-xireen weyn oo ay ka dhistay webiga Niil, ayaa sheegtay in aysan “iska taagnaan doonin, xilli ay dowlado kale qaadayaan tallaabooyin xasillooni darro ku ah gobolka.”

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ka jawaab celiyay, isagoo yiri Itoobiya waa inay joojisaa “baroorta” iyadoo qof walba “uu goosan doono wixii uu beertay” taasoo muujineysa xiriirkooda diblomaasiyadeed oo hoos u dhacay muddo bilo ah.

Maxay Itoobiya uga xun tahay falcelinta Soomaaliya?

Soomaaliya kaliya ma aysan keenin ciidamada dowladda Masar oo kaliya oo Itoobiya ay u aragto cadawgeeda, balse waxay sidoo kale shaacisay in ciidamada Itoobiya aysan ka mid noqon doonin ciidamada Midowga Afrika laga bilaabo bisha Janaayo ee soo socota.

Tani waa markii saddexaad ee ciidamo lagu daabulo Soomaaliya tan iyo markii hawlgalka taageerada nabadda ee Midowga Afrika uu bilaabmay, kii ugu horreeyay waxaa la geeyay 2007 bilo kadib markii ciidamada Itoobiya ay ka soo gudbeen xadka si ay gacan uga geystaan la dagaallanka Al-Shabaab, oo markaas gacanta ku haysay caasimadda Soomaaliya.

Waxaa jira ugu yaraan 3,000 oo askari oo Itoobiyaan ah oo hoos taga howlgalka Midowga Afrika ee hadda socda, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Toddobaadkii hore, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Itoobiya ay kala baxayso 5 ilaa 7,000 oo askari oo kale oo ku sugan dhowr gobol oo heshiisyo laba geesood ah ay kala saxiixdeen, haddii aysan ka bixin heshiiska dekedda ee ay la gashay Somaliland.

Itoobiya waxay taasi u aragtaa dharbaaxo fool ka fool ah, sida uu hadalka u dhigay wasiirkeeda arrimaha dibadda, “wax-u-huriddii ay askarta Itoobiya u galeen Soomaaliya.”

Ka bixitaanka ciidamada ayaa sidoo kale Itoobiya ka dhigi doonta mid u nugul weerarada Al-shabaab, sida uu BBC u sheegay Christopher Hockney, oo ah cilmi baare sare oo ka tirsan machadka Royal United Services Institute.

Qorshaha la qorsheeyay in ciidamada Masar la geeyo xuduudkeeda bari ayaa sidoo kale Itoobiya ka dhigi doona mid cabsi gaar ah leh, ayuu raaciyay.

Masar ayaa u aragta biyo-xireenka Niilka ee Itoobiya oo ku yaal galbeedka dalka khatar jirta, waxayna ka digtay mar hore inay qaadi doonto “tallaabo” haddii ammaankeeda la halis galiyo.

Warbixintan qeybo kamid ah waxaa laga soo xigtay BBC.

Muqdisho  2da Sebteembar 2024 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horumar wayn oo dhanka dhaqaalaha sameysay kadib dayn-cafintii dalka, sida uu shaaca ka qaaday wasiirka maaliyadda Biixi Iimaan Cige.

Wasiirka oo haatan ku sugan dalka Mareykanka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay hormar la taaban karo gaartay bilihii lasoo dhaafay, taasina ay ku timid guushii wayneyd ee laga gaaray Barnaamijka Dayn-cafinta.

Biixi Iimaan Cige ayaa qiray in dayn-cafintii kaddib uu dalka sameeyay horumar dhanka dhaqaalaha ah, taasina ay muujineyso dedaallada sida wadajirka ah iyo guulaha muuqado ee la gaaray.

“Soomaaliya, dayn-cafinta kaddib waxa ay sameysay horumar dhanka dhaqaalaha ah, waana arrin lagu farxo, ” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Biixi Iimaan Cige.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay safarkiisa dalka Mareykanka iyo kulamo gooni gooni ah oo uu la qaatay madaxda hay’adda lacagta adduunka iyo bangiga adduunka oo uu kala hadlay halka uu dalka marayo iyo isbaddelka ka jira.

Dhinaca kale, wasiirka maaliyadda Soomaaliya ayaa boggaadiyay Soomaalida ku dhaqan Mareykanka, isaga oo sheegay  in ay jiraan dad badan oo Soomaali ah oo guullo waa weyn ka gaaray dhanka Ganacsiga, taasina loo baahan yahay.

Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay sameyneysay kobac dhaqaale oo wayn, waxaana jira fursado kale oo ay sahashay dayn-cafinta, maadaama la helayo maal-gashadeyaal caalami ah.

Isbedallada la dareemay waxay ku yimaadeen dadaalka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay sidii loogu talagalay loo qaado canshuuraha oo muhiim u ah kobaca dhaqaalaha ee guud ahaan dalka.

WARARKA MAANTA 31\ka Agoosto 2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta:  Maxayse Labada aqal/baarlamaanka Soomaaliya uga hadlin dhibka ay #Ethiopia ku hayso qaranka #Soomaaliya mise waa la wada fugay? Ma oga miyaa #Ethiopia in #Ingiriis, iyo Talyaani loo dhigay casharo ay ku quus-qaateen? Yaa diidi kara inay shacabka Soomaaliyeed difaacan doonaan dadnimadooda, diinta iyo dalkooda? Yaa dagaal joogto ah dani ugu jirtaa? Yaase diiday in loo wada heshiiyo gardarada #Ethiopia ay ku hayso qaranimada iyo jiritaanka shacabka Soomaaliyeed? Ha Wiqleyso! Maxay tahay warqada ay soo saartay #Ethiopia oo u hanjabaysay #Soomaaliya?  Miyeey #Ethiopia ilaawday casharadii loo dhigay qarniyo hore ilaa iyo dagaaalkii 1977dii markii ay soo baryeen ciidamo Kuba iyo kuwo kale si ay ula dagaalamaan #Soomaaliya?

Djiibouti 31ka Agoosto 2024 Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa soo bandhigay hindise ay dowladda Jabuuti doonayso in lagu xaliyo khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Isagoo wareysi siinayay BBC, ayuu wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti soo jeedisay in Itoobiya loo ogolaado inay gasho badda iyada oo sii mareysa Jabuuti, islamarkaasna ay si buuxda u hesho xuquuqaha maamulka dekedda Tadjoura, iyo sidoo kale in laga faa’iidaysto waddo cusub oo horay loo dhisay oo aadda dhanka Dekedda Tadjoura, oo ku taal qiyaastii 100 kiiloomitir xadka Itoobiya.

“Qaabkan ayaa si wax ku ool ah u xallin doona walaac kasta oo la xiriira gelitaanka Itoobiya ee badda,” ayuu yiri Youssouf.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in xalka la soo jeediyay uu yahay mid loogu talagalay in lagu fududeeyo marin badeed ay si fudud ku hesho Itoobiya.

Hindisahan ayaa lagu wadaa in looga hadlo shir madaxeedka Shiinaha iyo madaxda Afrika ee todobaadka soo socda, iyadoo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu fursad u heli doono inuu qorshahan horgeeyo madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay u leedahay  helitaanka badda ay weli tahay arrin muhiim u ah Itoobiya oo ah dal ay ku nool yihiin 110 milyan qof.

Muqdisho  31ka Agoosto 2024 Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegtay afar diyaaradood oo nooca helicopter-ka ah oo noocoodu yahay Bell 412EPX, taasoo noqonaysa tii ugu badneyd ee la geeyo dalka Soomaaliya tan iyo markii laga qaaday cunaqabateynta hubka.

Diyaaradahan oo qiimahooda lagu sheegay 16 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah, ayaa waxaa la sheegay inay siisay dowladda Talyaaniga, waxaana lagu wareejiyay maamulka Soomaaliya horaantii todobaadkan, sida ay sheegeen dadka falanqeeya arrimaha ammaanka iyo wararka ciidamada Soomaaliya.

Ilo xog-ogaal ah oo dowladda ka tirsan oo codsaday inaan magacooda la shaacin, ayaa xaqiijiyay in diyaaradaha qumaatiga u kaca ay soo iibsadeen dowladda Soomaaliya, isla markaana aan lagu deeqin, sida ay horay u hadal hayeen warbaahinta.

Xogtu waxay ku nuuxnuuxsatay in ka dib qaadista cunaqabateynta hubka ay Soomaaliya u madax banaan tahay inay soo iibsato qalab kasta oo ciidan.

“Marka la qaado cunaqabateynta hubka, dowladda Soomaaliya waxay hadda haysataa madax-bannaani ay ku iibsan karto qalab kasta oo ciidan oo ay u aragto inay lagama maarmaan tahay, iyadoo aan loo baahnayn ogeysiis ama oggolaansho oo dhinacyo dibadda ah,” ayay dowladda Soomaaliya horey u tiri.

Diyaaradahan Helicopters-ka ah ayaa la filayaa in ay door muhiim ah ka ciyaaraan dagaalka ka socda Soomaaliya ee lagula jiro kooxda Al Shabaab.

Iyadoo howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) uu dib u soo celinayo joogitaankiisa ciidamadooda, ayaa helista diyaaradahan helicopteradan waxay ka dhigan tahay sare u kac weyn oo lagu sameeyay awooda ciidamada Soomaaliya iyo dadaalada socda ee lagula dagaalamayo kooxaha lagu sheego xagjirka.

Muqdisho  31ka Agoosto 2024– Suuqa ugu weyn degmada Garasbaaleey ee magaalada Muqdisho ayaa lasoo warinaya inuu guban haayo mudo dhowr saacadood ah, kadib markii gubashada suuqaasi ka hor la maqlay dhawaqa laba qarax oo aad xooganaa.

Gubashada Suuqaan oo ku yaala Xaafada Tabeelaha Sheekh Ibraahin ee degmada Garasbaaleey ayaa dadka deegaanka waxay warbaahinta sheegeen inuu ka dhashay qaraxyo lagu aroorninadii hore ee saakay.

Wararku waxay intaas ku darayaan in dabka uu baabi’iyay hanti badan oo dhextiilay suuqa, waxaana dhamaan burburay goobahi ganacsiga ee ku yaalay suuqaas oo ahaa kuwa aad u camirnaa.

Qaraxyada lagu weeraray Suuqaan ee sababay in hanti badan lagu waayo ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay Suuqaasi lagu xiray intiisa badan Kaamerooyinka qarsoon ee CCTV, taasoo ay amartay dowladda Fedaraalka, waxaana arintaas diidan oo aan ogoleyn Al-shabaab.

Todobaadyo ka hor ayay aheyd markii sidaan oo kale loo weeraray Suuqyada Marwa iyo Safa ee ku yaala deegaanka Ceelasha Biyaha ee duuleedka magaalada Muqdisho, waxaana halkaas ku burburay dhamaan goobahii ganacsiga iyo hantidi dhex tiilay.

Muqdisho  31ka Agoosto 2024  Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka howlgala Saldhigga Booliska dagmada Deyniile ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysane Cabdiqani Daahir Shire oo loo heysto inuu si bareer ah Cagaf ugu jaray geedo waaweyn oo ku yaalay xaafada Gubta ee degmadaas.

Booliska ayaa qoraal ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in eedeysanahaan la horgeydoono Maxkamadda awooda u leh,  iyagoo sidoo kale uga digay muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan xaalufinta geedaha nacfiga u leh dadka, duunyada iyo deegaanka.      

Muuqaal laga duubay ninkaan oo Geed weyn jaraya ayaa aad ugu faafay baraha bulshada saacadihii lasoo dhaafay, arrintaan ayaa salka ku heysa dhismaha waddo laami ah, balse in la jaro geedkaas waa laga baaqsa karay, waana inta loo heyto ninkaan.

Guddoomiyaha degmada Deyniile oo ka hadlay arrintaas ayaa sheegay in Geedkaas loo jaray si aan ku talagal aheyn oo Cagaftu ay ku dhacday, balse waxaa la hayaa muuqaalo muujinaya in si ku talagal ah Geedka loo jaray.

Dhinaca kale Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Soomaaliya oo ka hadashay kiiskaan ayaa digniin adag kasoo saartay Jarista Dhirta oo xiligaan muhiim u ah dalka, dadka iyo duunyada, maadaama is bedel xoog leh uu ku yimid cimillada adduunka oo dhan.

“Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Soomaaliya waxa ay ku bogaadineysaa Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed soo qabashada eedeeysanihii ku xad gudbay Geedka ee deegaanka nabaad guurka u horseeday, jarista iyo nabaad guurinta dhirta waa danbi ku xusan sharciga ilaalinta deegaanka,” ayaa lagu yiri qoraal ka kasoo baxay wasaaradda deegaanka.

Wasaaradda ayaa cidii ku kacda inay dhirta jarto ku wargelisay inay la tiigsan doonto sharciga, “Waaanna bulshada Soomaaliyeed ku boorineynaa in ay ilaaliyaan deegaanka, kana dhowraan wax kasta oo dhibaato ku keeni kara” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wasaaradda deegaanka ayaa ammaan iyo bogaadin u jeedisay dadweynaha Soomaaliyeed ee iyaguna ka dhiidhiyey falkii guracnaa ee lagu jaray dhirta, ayadoo ku tilmaantay natiijo muujineysa yididiilada in dadkeennu markaan garteen qiimaha dhirtu u leedahay deegaanka.

Muqdisho  31ka Agoosto 2024  Qaar kamid ah Xildhibaanada BFS ee ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ayaa caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, iyagoo si adag uga hadlay abaabulkii bulsho ee Jimcihii ka dhacay magaalada Xudur ee gobolka Bakool, halkaas oo banaanbax loogu hiiliyey Itoobiya uu ka dhacay.

Xildhibaanada oo soo saaray war-saxaafadeed ayaa eedeymo xasaasi ah u jeediyey Madaxweynaha K/Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, iyagoo soo jeediyey in lagula xisaabtamo qaladka uu ka gelayo qaranimada Soomaaliya.

Xildhibaanada ka soo jeeda K/Galbeed ayaa sheegay inay ka naxeen wixii ka dhacay degmada Xudur oo gef ku ahaa qaranimada Soomaaliya, iyagoo Laftagareen ku eedeeyey inuu soo abaabulay dadkii dhigay banaanbaxa.

“Shacabka u banaanbaxay Itoobiya ee Xudur ku nool waxay ku jiraan go’doon adag oo Khawaarijtu ay gelisay, waxaana talaabadaas ku qasbeysa cabsida ay qabaan, taasna waxaa u sabab ah joogitaanka sharci darrada ah ee Laftagareen,” ayuu yiri Xildhibaan Balaag oo akhriyey bayaanka.

Wuxuu sheegay in Laftagareen uusan ogoleyn in Khawaarijta laga xoreeyo K/Galbeed, taasi oo deegaanada Koonfur Galbeed ka dhigtay meel uusan ka socon dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta.

“Taliska ciidanka xoogga dalka wuxuu diyaariyey ciidan ka badan labo guuto iyo saldhig weyn oo ciidanka Danab looga dhisi lahaa Koonfur Galbeed, balse waxaa si cad u hor istaagay qorshahaas madaxweynaha deegaanka Cabdicasiis Laftagareen,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xildhibaan Balaag.

Xildhibaanada ayaa warkooda ku sheegay in Soomaaliya ay tahay dal madax-banaan oo heshiis la geli kara cid kasta, “Dowladda Itoobiya marnaba xaq uma laha inay ku soo xadgudubto Soomaaliya, waxaana masuul ka ah ilaalinta qaranimada Soomaaliya xukuumadda federaalka Soomaaliya.”

Sidoo kale xildhibaanada ayaa war-saxaafadeed kooda ku yiri “Joogitaankiisa sharci darrada ah ee Laftagareen wuxuu uga faa’iideystay inuu galo qiyaano qaran, wuxuuna khatar ku yahay jiritaanka Soomaaliya iyo xasiloonida deeganaada Koonfur Galbeed, waxaan dowladda dhexe xusuusineynaa in Laftagareen uu galay qiyaano qaran oo mudan in lagula xisaabtamo.”

Muqdisho  31ka Agoosto 2024 Maxkamad federal oo Mareykan ah ayaa laashay kiis dacwadeed ay dowladda Mareykanka kusoo oogtay qareen degan gobolka Maryland, oo ku eedeysnaa inuu dhacay hantida dowladda Soomaaliya.

Jeremy Wyeth Schulman, oo ah 48 jir, ayaa December 2020 lagu soo oogay dacwado la xiriira inuu ku lug yeeshay qorshe si khiyaano ah looga soo qaaday hay’ado maaliyadeed lacag gaareysa 12.5 milyan oo dollar, oo ka mid ah hantida dowladda Soomaaliya, islamarkaana uu boqolaal kun oo dollar siiyay shirkad sharci oo qaadatay in ka badan 3 milyan oo dollar oo lacagtaas ka mid ah.

Dacwadaha loo haystay Schulman ayaa waxaa ka mid ahaa musuq-maasuq banki, been xalaaleyn lacag, iyo lacago si sharci-darro ah la isaga gudbiyey banki.

Si kastaba, garoosre Paula Xinis, oo ah xaakimka maxkamadda federaalka Mareykanka ee degmada Maryland, ayaa Jimcihii shalay laashay kiiska ka dhanka ah Schulman kadib markii ay sidaas codsatay dowladda Mareykanka, oo ka laabatay dacwadda oo soo socota muddo saddex sano ka badan. 

Warqadda kasoo baxday garsooraha laguma shaacin sababta ay dowladda Mareykanka u codsatay in kiiska la laalo. 

Dacwadda markii hore lagu soo oogay Schulman iyo xubno kale ayaa waxaa ka mid ahaa; in ay isku dayeen inay si sharci-darro ah gacanta ugu dhigaan maamulka boqolaal milyan oo dollar ah oo ka mid ah hantida Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, ee taalla bankiyada caalami ah, taasi oo la hakiyey markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii. 

Schulman ayaa horey dowladda federaalka Soomaaliya ugu matalay kiisas dhowr ah, oo ay ka mid yihiin baaritaanka eedeymo musuq-maasuq oo ay soo jeediyeen kooxda QM ee kormeerka Soomaaliya iyo Eritrea (UN Monitoring Group for Somalia and Eritrea).

Muqdisho  31ka Agoosto 2024 Xildhibaan Maxamed Abuukar oo kamid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ee kasoo jeeda deegaanada koonfur Galbeed ayaa si adag uga hadlay dibad-baxii ay shalay soo abaabushay Koonfur Galbeed ee ka dhacay degmada Xudur, kaas oo lagu diiday ciidamada Masar, balse lagu soo dhaweeyay ciidanka Itoobiya.

Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday i n arrintaan aysan raalli ka ahayn, isla markaana shacabka ay metalaan looga faa’iideystay daruuf amni oo ku geedaaman, wuxuuna xusay in Itoobiya ay tahay midda kusoo xadgubtan madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

“Maanta Itoobiya iyada ayaa ka gar darran Soomaaliya oo aduunkana waa ogyahay Soomaalina waa og tahay in madax banaanideeda qarameed iyo baddeeda lagu soo gar darooday wax Soomaali raali ku noqoneyso ma’aha, shacabka aan mataleyno raalli kama ah daruufbaa looga faa’iideystay” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Abuukar.

Sidoo kale wuxuu farriin culus u diray dowladda federaalka, isaga oo ka dalbaday inay ka hortegto arrintan, isla markaana ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Danab iyo Gorgor ay si deg-deg ah ku geyso gobolka Bakool.

“Hal farriin baan rabaa inaan halkan ka diro dowladda Soomaaliyeed waajib baa idinka saaran sida hadaba laga bilaabay gobollada ciidamada Soomaaliyeed maanta la tababaray amnigooda ay ku filan yihiin waxaan codsaneynaa in si deg-deg ah gobolka Bool ciidamo loo geeyo, weliba ciidamada sida gaarka ah u tababaran oo Danab iyo Gorgor ay kamid yihiin” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Abuukar.

Xildhibaanka oo sii hadlayay ayaa shaaca ka qaaday in dalka oo dhan ay mas’uul ka tahay dowladda dhexe, go’aanka ciidamada baxaya iyo kuwa imaanayana laga rabo iyada, wuxuuna xusay in dowlad goboleed uusan geli karin arrin ku saabsan ciidamada shisheeye.

“Dowladda Soomaaliyeed waddankan iyada ayaa mas’uul ka ah ciidankii joogi lahaa iyo ciidankii ka bixi lahaaba dowladda Soomaaliyeed ayaa mas’uul ka ah dowlad goboleed gaar ulama geli karo dowlad ciidankii joogi lahaa iyo kuwii la keeni lahaaba”  ayuu sii raaciyay.

Isku soo wada duubo, arrimahan ayaa imanaya xilli ay dowladda federaalka ay dooneyso inay ka saarto ciidamada Itoobiya howl-galka nabad ilaalinta, iyadoo u aragta xukuumadda Addis Ababa inay ku xad-gudubtay qaranimada Soomaaliya kadib is-afgaradkii badda ee la saxiixatay Somaliland, kaas oo illaa hadda aysan ka noqon.

WARARKA MAANTA 29\ka Agoosto 2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxay tahay warqada ay soo saartay #Ethiopia oo u hanjabaysay #Soomaaliya?  Miyeey #Ethiopia ilaawday casharadii loo dhigay qarniyo hore ilaa iyo dagaaalkii 1977dii markii ay soo baryeen ciidamo Kuba iyo kuwo kale si ay ula dagaalamaan #Soomaaliya? Ma oga miyaa #Ethiopia in #Ingiriis, iyo Talyaani loo dhigay casharo ay ku quus-qaateen? Yaa diidi kara inay shacabka Soomaaliyeed difaacan doonaan dadnimadooda, diinta iyo dalkooda? Yaa dagaal joogto ah dani ugu jirtaa? Yaase diiday in loo wada heshiiyo gardarada #Ethiopia ay ku hayso qaranimada iyo jiritaanka shacabka Soomaaliyeed? Ha Wiqleyso!

Ethiopia 29ka Agoosto 2024 Itoobiya ayaa ka dhawaajisay walaac ku saabsan ka bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) una guuri doona howlgal cusub oo taageero nabadeed, taasoo muujineysa sida ay sheegtay Ethiopia, khatarta ka dhalan karta xasilloonida gobolka. Itoobiya waxay hoosta ka xariiqday inay ka walaacsan tahay hannaanka kala guurka, iyadoo xustay in baaqyada isdaba jooga ah ee ka soo yeeraya Itoobiya iyo dalalka kale ee ay ciidamada ka joogaan (TCC) aan weli wax laga qaban.

Itoobiya waxa ay sheegtay inay ku adkaysanayso sida ay uga go’an tahay la socodka iyo ka jawaabida isbeddelada ka socda gobolka, kuwaas oo ay sheegtay inay khatar gelin karaan nabadgelyadeeda.

Itoobiya waxay sheegtay inay door laxaad leh ka qaadatay nabadaynta iyo amniga Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika. Ethiopia waxay sheegtay in ay dowladda Soomaaliya la gashay wadahadallo laga gaaray horumar la taaban karo.

Si kastaba ha ahaatee, waxay sheegtay in ay ka walaacsan tahay in Soomaaliya ay gacan saar la leedahay waxay ugu yeertay kooxo shisheeye oo ujeedkoodu yahay in ay xasilooni darro ka abuuraan gobolka.

Itoobiya waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada ku lugta leh diyaarinta iyo oggolaanshaha howlgalka cusub ee taageerada nabadda inay tixgeliyaan welwelka waddamada gobolka iyo kuwa ciidamada ugu taburacay Soomaaliya. Waxay hadalkeeda kusoo gabagabaysay in ay ka digayso ciidamada isku dayaya in ay huriyaan xiisadaha iyaga oo ujeeddooyin cidhiidhi ah iyo dano gaar ah wata.

Warkan kasoo baxay Ethiopia ayaa imaanaya, labo maalmood kaddib markii dowladda Masar ay Soomaaliya usoo dirtay Labo diyaaradood oo siday shaqaale iyo qalab, taasoo muujineysa tallaabadii ugu horeysay ee uu qaaday heshiiska iskaashiga difaaca iyo amniga ee Soomaaliya iyo Masar.

Israa’iil 29ka Agoosto 2024 Taangiyada ciidamada Israa’iil ayaa gunta magaalada Khan Younis ee koofurta Gaza gaaray Arbacadi shalay, isla markaana duqeeyay qeybo badan oo ku yaalla Marinka Gaza, kaddib dagaallo qaraar oo ay dhexmaray iyaga iyo dagaalyahanno ka tirsan Xamaas.

Dadka deegaanka Khan Younis ayaa sheegay in taangiyada Israa’iil ay si lama filaan ah u soo galeen bartamaha magaalada Khan Younis, iyaga oo intaasi ku daray in ciidanka Isra’iil ay amreen in dadka ka baxaan bariga magaalada taas oo ku qasabtay qoysas badan in ay si dhaqso ah u cararaan, halka kuwo kale oo bandanna ay wali ku go’doonsanyihiin halkaasi.

Ilaha caafimaadka Gaza ayaa xaqiijiyay in duqeymihi shalay lagu dilay ugu yaraan 34 Falastiiniyiin ah. Duqeyn ka dhacday Khan Younis ayay saraakiishu sheegeen in lagu dilay 11 ruux.

Magaalada bartamaha ku taalla ee Deyral Balax, halkaas oo ugu yaraan hal milyan oo qof ay gabbaad ka dhiganayaan, ayay saraakiisha caafimaadka sheegeen, in duqeyn ay ciidanka Isra’il ku bartilmaameedsadeen guryo dad barakac ah ay daganaayeen lagu dilay 8 qof.

Xerada Nuseyraat ee bartamaha Marinka Gaza, saxafi lagu magacaabo Maxammed Cabid-Rabbo iyo babadh la dhalatay ayaa ka mid ahaa dad lagu dilay duqeyn lagu bartilmaameedsaday gurigooda,

Wasaaradda caafimaadka Gaza ayaa sheegtay, dilka wariye Cabd-Rabbu uu noqonayo kii 172-aad ee Gaza loogu geysanayo wariyaasha tan iyo 7-badi October ee sannadki hore.

“Madaxda Diyaaradaha Ethiopian Airlines iyo Flydubai waxaan u cadeynay mowqifkeena cad iyo inay u hogaansamaan shuruucda dalka, waana u hoggaamsameen waan uga mahadcelineynaa,” ayuu yiri.

Maareeye Axmed Macalin Xasan ayaa ku faanay in dowladda Soomaaliya ay si buuxda u maamusho hawada dalka oo sida uu sheegay ka weyn dhulka.

“Hay’adda Duulista Soomaaliya, waxay gacanta ku heysaa 100% hawada u dhaxeysa Hindiya, Yemen, Ethopia, Kenya, Sishalis, xuduudkeena dhulka hawo ka badan ayaan si buuxda u maamulnaa, sababtoo ah dowladda Hindiya toos ayaan isugu wareejinaa hagitaanka diyaaradaha, maadaama ay dhanka hawada xuduud kala leenahay,” ayuu yiri Maareeye Axmed Macalin.

Sidoo kale Maareeyaha ayaa sheegay in hawada Soomaaliya ay 60% tahay bad, “40% kaliya ayaa dhul ah, intaas anaga ayaa maamulna waxaana ka soo saarnaa lacag, maadaama ay ka kireysan tahay diyaaradaha mara maalin kasta, hawada dalkeena,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Maareeyaha ayaa sheegay in diyaaradii wax u dhibeysa gobanimada ama jebisa shuruucda Soomaaliya ay ka celi karaan hawada dalkeena, iyadoo aan la adeegsaneyn hub iyo wax lamid ah oo la adeegsanayo shuruucda caalamka.

Muqdisho 29\ka Agoosto 2024  Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta tegay xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho, halkaas oo tababar culus uu uga socdo ciidamo ay gacanta ku heyso oo tababarkooda ay bixineyso dowladda Imaaraadka Carabta.

Wasiirka ayaa dowladda Imaaraadka uga mahadceliyey tababarrada ciidamada xoogga Soomaaliya iyo kaalmada kale ee dowladda Soomaaliya ay siiso.

Wasiir Jaamac ayaa sheegay in dowladda Imaaraadka ay kaalin weyn ka geysatay dhismaha ciidamada Soomaaliya, waxyaabaha uu ku amaanay Imaaraadka waxaa kamid ah sida dowladda Soomaaliya ay uga gacan siisay in amni lagu soo dabaalo magaalada Muqdisho.

Imaaraadka ayaa Soomaaliya u tababaray ciidamada xasilinta caasimadda Muqdisho ee loo yaqaano Boolis Military iyo guutooyin kale oo ka tirsan xoogga dalka, kuwaas oo ku maqan furimaha dagaalka, kuna baacsada Khawaarijta Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa sidoo kale u mahadceliyey dowladaha kale ee Soomaaliya ka gacan siiya dhismaha ciidanka oo dalkaan uu maahi weyn u qabo, isagoo ciidamadaan cusub kula dardaarmay inay ka faa’iideystaan tababarka uguna adeegaan dalkooda.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa warbixin ka siiyey dhalinyaradaan halganka xoreynta dalka iyo halka uu marayo, isagoo ku war-geliyey in dadka Soomaaliyeed iyo saaxiibadooda kale ee ciidanka xoogga dalka ay ka sugayaan inay gacan ka geystaan sidii argagixisada dalka looga xoreyn lahaa.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay damaca Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya, “Waxaad la socotiin in badeena iyo dalkeena la soo damaaciyey, idinka ayuu dalkaan difaac idinka sugayaa, dadka Soomaaliyeed mucaarad iyo muxaafid, masuul iyo shacab, waxay ka siman yihiin in taako ka mid ah dhulkooda aan la qaadan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Jaamac.

Buula-Mareer 29\ka Agoosto 2024 Faah-faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar culus oo ay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab xalay ku qaadeen saldhig ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin gudaha magaalada Buulo-mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarka kadib ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay Al-Shabaabka weerarka qaaday iyo ciidamada ku sugnaa halkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaal muddo saacad ka badan uu socday dagaalka, ayada oo dhawaqa rasaasta laga maqlayay meelo aad u fog fog.

Wararka ayaa intaasi kusii daray in ciidamada ATMIS ay iska caabin adag saameeyeen, taas oo keentay in la jebiyo xubnaha Al-Shabaab weerarka kusoo qaaday Buulo-mareer.

Khasaare kala duwan ayaa sidoo kale lasoo wariyay inuu ka dhashay dagaalka, waxaana saaka maydadka xubno katirsan kooxda Al-Shabaab lagu arkay duleedka Buulo-mareer.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana aagga magaaladaas haatan howlgallo iyo dhaq-dhaqaaqyo ka wada ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka ATMIS.

Horay Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale usoo weerartay ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda ee deggan magaalada Buul-mareer, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 57 askari.

Aaskarta Uganda ee markaas lagu laayay Buulo-mareer ayaa dhaliyay hadal hayn xoogan, waxaana xittaa ka hadlay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Museveni oo sheegay in askarta la cabsi-geliyay markii ay iska-caabin lahaayeen dagaalyahanda Al-Shabaab, taasina mas’uul ka ahaayeen taliyaasha oo dhiira-gelin waayay ciidamada xiliga weerarka bilowday, iyagoo u cararay dhanka degaanka Golweyn, oo ATMIS saldhig kale ku leedahay.

Muqdisho 29\ka Agoosto 2024 Dowladda Ethiopia ayaa shalay si adag uga hadashay xaaladda ammaanka ee gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan walaac ay sheegtay in ay ka qabto xilliga kala guurka ee ciidamada Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ee loo soo gaabsho ATMIS, kuwaas oo lagu bedelayo hawlgal cusub.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha debedda ee Ethiopia ayaa lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin, halista ka imaan karta, hannaanka ay haatan wax u socdaan, taasoo ay sheegeen inay khatar amni ku keeni karto gobolka.

Ethiopia ayaa si gaar ah uga digtay dhaq-dhaqaaqa Masar ee Soomaaliya, waxayna sheegtay in arrintaan ay halis ku tahay amniga iyo guud ahaa ka gobolka.

Sidoo kale waxa ay ku hanjabtay inay qaadi doonto tallaabo kasta oo ay uga hortegeyso arrintan, ayada oo ku dooday in Soomaaliya uu uga baxay dhiig iyo dhacaanba.

Haddaba Maxay ka dhigan tahay hanjabaadda kasoo baxday Ethiopia?

Cabdigafar Wardheere oo ka faallooda arrimaha caalamka, kuna nool gobolka Virginia ee dalkan Mareykanka ayaa wareysi uu siiyay VOA kaga hadlay xaaladaha soo kordhay ee la xiriira arrimaha Soomaaliya iyo Ethiopia, wuxuuna sheegay in hanjabaaddan ay abuuri karto colaad horleh, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in Soomaalidu ay baraarugto.

“Waxay noqo kartaa inay Itoobiyaanka yiraahdaan annaga Soomaalida wax badan baan gelinay waa ka duu-duubaneynaa wixii hadda ka dambeeyana cadow u arkaan oo ay ciidamadooda iyo waxooda kala baxaan marka meeshaas waxaa moodaa in loo baahan yahay in Soomaalidu si fiican uga baaraan degto oo ay fiiriso habka ay u kala guranayaan Soomaaliya iyo Itoobiya” ayuu wareysigaan ku yiri aqoonyahan Cabdigafar Wardheere.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Ethiopia ay isku dayeyso in Soomaaliya ay kala qub-qubto, iyada oo adeegsaneyso siyaasad, soona mareyso dowlad goboleedyada dalka.

“Waxay isku dayeysaa inay Soomaalida cadaadis saarto oo bilowdo inay u kala dab qaado ama dhex gasho gobolladeed iyo dowladihii yaryarka ahaa waxaas oo dhan inay isku deydo oo siyaasaddeeda tashwiish ku furto” ayuu mar kale yiri Falanqeeye Cabdigafar Wardheere.

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Masar, wuxuuna shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ay heshiis la geli karto dal kasta oo carbeed oo xulafadeeda ah, wuxuuna intaasi ku daray in arrintan ay keentay xadgudubka Ethiopia ee heshiiska badda.

“Soomaaliya Masar, Turki, Ciraaq iyo carab kasta heshiis-bey la geli kartaa horta taas la’iskuma hayo” ayuu mar kale yiri aqoonyahanku

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Su’aashu waxaa weeye waxaan oo dhan maxaa keenay? Soomaalidu ciidan xoog badan maleh marka inay xulafadeeda raadsato oo meel kasta marto waxaa keenay markii lagu xadgudbay madax-bannaanideeda”.

WARARKA MAANTA 28\ka Agoosto 2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa qaar kamid ah madaxda argagixisada #Shabaab keenay #Madaxtooyadda maanta #VillaSomalia? Yaa warbaahinta qaranka u diiday inuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud “Dhuusp-Fooxiye” si waadax ah u baahiso wareysiga madaxweynaha? Maxuuse Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Mr. Al-Cadaala u diiday in la faafiyo wararka xaasaasiga ah ee Xafiiska Madaxweynaha Mudane Xassan Shiikh Maxamuud “Dhuusp-Fooxiye”? Yaa khaa’inul waddan Cabdilaahi Sanbolooshe u magacaabay Taliyaha nabad-Sugida Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud “Dhuusp-Fooxiye”? Yaa Dowlad Iyo Shabaab inay wadashaqeeyaan horumood u ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud “Dhuusp-Fooxiye”? Yaa diiday inay shacabka #Muqdisho #Maqaam yeeshaan Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud “Dhuusp-Fooxiye”? Yaa Maxkammadda Dastuuriga ah diiday inuu sameeyo Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud “Dhuusp-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay xaasaskiisa baad ka qaadaan ganacsatada Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud “Dhuusp-Fooxiye”? Yaa diiday inay labada aqal wadashaqeeyaan Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud “Dhuusp-Fooxiye”?

Ha Wiqleyso!

Falastiin Daanta Galbeed   28ka Agoosto 2024 Falastiiniyiinta hadba dhinac ugu barakacayo Marinka Gaza ayaa isugu tagay dhinaca xeebta, xilli ay ciidamada Isra’ul sii wadaan dagaalka iyo duqeymaha Gaza gaar ahaan qeybaha koofurta iyo bartamaha oo ay Talaadadi shalay kula dagaallameen dagaalyahannada Xamaas.

Israel ayaa Talaadadi sheegtay in ay ciidankeedu ay soo badbaadiyeen mid ka mid ah laheystayaasha, kaas oo ay Xamaas koofurta Isra’il kasoo afduubtay 7-badi bishi October. Qaid Farhan Alkadi, ayay Isra’il sheegtay in lagu soo badbaadiyay howlgal ka dhacay koofurta Gaza.

Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa iyaguna sheegay in ugu yaraan 22 ruux oo Falastiiniyiin ah lagu dilay weeraro ay millatariga Isra’il ka geysteen qeybo badan oo ka mid ah Gaza.

Magaalada Qahirana waxaa wali kasii socda wadahadallada ay gar-wadeenka ka yihiin dhex-dhexaadiyaasha ka socda Mareykanka, Masar iyo Qatar, kuwaas oo afarti bil ee lasoo dhaafay riixayay xabbad-joojin ka dhaqan gasha Gaza iyo sii deynta la heystayaasha Isra’iiliyiinta ee Gaza.

Dhanka kale, ilo wareedyo xagga amniga ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay, in ciidamada Isra’il ay xalay duqeyn cirka ah ku bartilmaameedsadeen waqooyiga dalka Lubnan.

Wararka ayaa sheegaya in duqeynta lala beegsaday baabuur mararay meel u dhaw deegaanka Chaat ee xadka Lubnaan ay la wadaagto Suuriya. Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Galmudug   28ka Agoosto 2024 Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa bedelay guddoomiyihii degmada Xarardheere Maxamed Yuusuf Kulmiye, balse khilaaf culus ayaa ka dhashay xil ka qaadistaa, kadib markii uu ka horyimid guddoomiyihii xilka laga qaaday.

Guddoomiye Maxamed Yuusuf oo la hadlay Idaacadda Kulmiye wuxuuna sheegay in qorshaha Axmed Qoor Qoor uusan ka soca doonin degmada Xarardheere, isla markaana ay la dagaalami doonaan ciidamada uu soo diray.

Khilaafka xilka looga qaaday guddoomiyahaan ayaa ka dhashay hadal uu maalmo ka hor sheegay, xili uu magaaladaas ku soo dhaweynayey musharax Madaxweynaha Galmudug Liibaan Shuluq oo Xarardheere tegay.

Guddoomiye Maxamed Yuusuf ayaa maalinkaas sheegay in Galmudug ay ku jirto muddo kororsi, isla markaana loo baahan yahay in deg deg doorasho loo aado, basle maalintii xigtay ayuu raali gelin ka bixiyey hadalkiisii, isagoo sheegay in Galmudug uu ka taliyo Axmed Qoor Qoor, hadalkaasna uu ku qaldanaa.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Qoor Qoor ayaa soo magacaabay guddoomiye cusub, wuxuuna soo siiyey afar Cabdibile iyo ciidan uu ku qabsado Xarardheere, balse beesha Sacad ayaa Wisil ku celisay ciidankii Qoor Qoor soo diray, kuwaas oo u gudbi waayey Xarardheere.

Ciidamada deegaanka beesha Sacad, saraakiisha hoggaamisa iyo odayaasha dhaqanka degmadaas ayaa ku soo baxay khilaafkaan, waxayna jidgooyo dhigteen degmada Wisil, halkaas ayaa lagu galay wadahadal aan laga gaarin wax natiijo ah, sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.

Sidoo kale gudaha degmada Xarardheere waxaa ka taagan khilaaf culus oo qarka u saaran gacan ka hadal, beelaha qaar ayaa isku hub aruursanaya, beesha Saruur oo guddoomiyaha degmada iska leh ayaa labo u kala jabtay.

Sidoo kale beesha Saleebaan oo Axmed Qoor Qoor uu ka dhashay ayaa Xarardheere geysatay hub culus, waxaana mar kasta khatar loogu jiraa inay halkaas ka bilowdaan isku dhacyo sokeeye, iyadoo ay Al-Shabaab doonayaan inay dib u qabsadaan degmadaas.

Baydhabo 28ka Agoosto 2024 Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weeraro loo adeegsaday qaraxyo oo xalay Al-Shabaab ay ka gaysatay magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qaraxyada oo ahaa bambaano ayaa waxaa lagu weeraray laba guri oo ay dagan yihiin saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka ee maamulkaasi.

Labo sarkaal oo la weeraray guryahooda ayaa ka maqnaa xaafadda xilliga uu dhacayay weerarka, sida aanu kasoo xiganay dadka deegaanka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dad ehello ah oo ku sugnaa guryaha la beegsaday ay waxyeelo soo gaartay iyo qaar kamid ah ilaalada saraakiishaasi.

Kooxda weerarka fulisay ayaa sidoo kale lasoo wariyay inay baxsatay, waxaana haatan Baydhaba ka socda saraakiisha laamaha ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed.

Mas’uuliyadda weerarkan ayaa waxaa sheegatay kooxda Al-Shabaab, waxayna sheegtay in bartilmaameedkeeda uu u dhacay sidii ay qorsheysay, maadaama ay weerareen guryo ay daganaayeen saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, laakiin waxaa soconayo howlgallo ay wadaan ciidamada ammaanka oo lagu baadi goobayo raggii weerarka ka gaystay halkaasi.

Baydhaba ayaa waxaa habeennadii lasoo dhaafay weeraro ka gaysaneysay Baydhaba, waxaana dhowaan ay madaafiic ku gaaracday garoonka Shaati Gaduud ee magaaladaasi.

Muqdisho  28ka Agoosto 2024 Xiisadda dagaal u dhexeysay Somaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa haatan kasii dareysa, waxaana labada dhinac ay bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo si weyn looga dareemay gobollada Sool iyo Sanaag.

Wararka ayaa sheegaya in xiisaddan ay sii hurisay dilal iyo rabshado ka dhacay Ceerigaabo, kadib markii ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaad hubeysan ay isku dhaceen.

Dilkii ugu dambeeyay ayaa waxaa loo gaystay Salmaan Aadan  Cabdi Madoobe, waxaana ka horreeyay dilka laba qof oo kale oo deegaan ahaan kasoo jeeda SSC-khaatumo.

Golaha wasiirada Khaatumo oo xalay shir aan caadi ahayn ku yeeshay gudaha magaalada Laascaanood ayaa ka shiray xaaladaha soo kordhay, waxayna soo saareen warsaaxafadeed ay ku cambaareeyeen dilalkii ka dhacay magaalada Ceerigaabo ee waqooyiga Soomaaliya.

“Waxaan tacsi ka direynaa shaqooyinkii ka dhashay falkaa argagixisanimo oo mar labaad shacabka SSC weerar lagu soo qaaday oo lagu dilay laba wiil oo ka tirsan shacabka SSC-Khaatumo”.

SSC ayaa shaaca ka qaaday inay la socoto dhaq-dhaqaaq gar-darro ah oo ay sheegtay in Somaliland ay ka waddo halkaasi, waxayna ku eedeysay argagixisanimo.

Golaha wasiirada Khaatumo oo xalay shir aan caadi ahayn ku yeeshay gudaha magaalada Laascaanood ayaa ka shiray xaaladaha soo kordhay, waxayna soo saareen warsaaxafadeed ay ku cambaareeyeen dilalkii ka dhacay magaalada Ceerigaabo ee waqooyiga Soomaaliya.

“Waxaan tacsi ka direynaa shaqooyinkii ka dhashay falkaa argagixisanimo oo mar labaad shacabka SSC weerar lagu soo qaaday oo lagu dilay laba wiil oo ka tirsan shacabka SSC-Khaatumo”.

SSC ayaa shaaca ka qaaday inay la socoto dhaq-dhaqaaq gar-darro ah oo ay sheegtay in Somaliland ay ka waddo halkaasi, waxayna ku eedeysay argagixisanimo.“Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu si dhow isha ugu hayaa, ulana socdaa falalka ay ku kacayaan maamulka argagixisada ah ee Somaliland, wuxuuna si adag u cambaareynayaa falalkan oo la xiriira socdaalkii dagaal hurinta ee uu horjoogaha Somaliland ku yimid magaalada Ceerigaabo iyo gobolka Sanaag” ayuu mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Khaatumo ayaa sidoo kale wacad ku martay inay jawaab cad ka bixineyso daan-daansiga Somaliland, haddii aysan ka waantoobin waxa ay ka wado dhulkeeda.

Gardarooyinka ka socda Ceerigaabo ee daan-daansiga ah jawaabtoodu waxay noqon doontaa mid cad, haddii aan laga waantoobin falalka argagixisada ah” ayaa lasii raaciyay.

Ugu dambeyn waxaa la faray ciidamadda SSC-Khaatumo inay galaan heegan buuxa, isla markaana u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Somaliland.

“Waxaa la farayaa dhammaan ciidamad difaaca maamulka SSC-Khaatumo inay heegan sare ugu jiraan difaaca dalkooda iyo dadkooda, una diyaar garoobaan xaalad kasta oo imaan karta” ayaa lagu soo gabagabeeyay go’aanka kasoo baxay maamulka SSC-Khaatumo.

Muqdisho  28ka Agoosto 2024 Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ay isa soo dhiibeen horjoogayaal baxsad ka ah kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo usoo gacan galay dowladda federaalka Soomaaliya.

Laba sarkaal oo ka tirsan kooxda, isla markaana watay qoryo AK47 ah ayaa ciidamada Xoogga dalka waxay kusoo dhaweeyeen degmada Ceeldheer ee gobolkaasi.

Xubnahaan ayaa qayb ka ahaa maleeshiyaadka ku dhuumaaleeysanayay dhulka howdka ah ee u dhaxeeya Ceeldheer iyo Cow

“Xubno ka tirsan Khawaarijta oo baxsad ah ayaa isku soo dhiibay ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Degmada Ceeldheer ee Gobalka Galgaduud.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Ciidanka XDS ayay la soo sameeyeen xariir, waxaana hada gacanta ku haaya geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed”.

Ceeldheer iyo agagaarkeeda ayaa waxaa weli howlgallo culus ka wada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo halkaas kula dagaalamaya maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay xubnaha Al-Shabaab ee isku soo dhiiba dowladda, kadib markii uu kordhay cadaadiska lagu lagu kooxda.

WARARKA MAANTA 27\ka Agoosto 2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxay tahay wadahadalada iyo wadashaqayn ka dhaxaysa Dowladda Federaalka iyo Ururka Argagixisadda Shabaab? Maxuuse Wasiirku Xigeenka Warfaafinta Mr. Al-Cadaala cunna-qabatayn ugu sameeyey warfaafinta iyo warfinta xafiiska Madaxweynaha? Yaa si khaldan u isticmaalaaya Warbaahinta Dowladda ee laga cunna-qabateeyey Madaxweynaha Soomaaliya Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud “Dhuusp-Fooxiye”?  Yaa diiday inuu sameeyo #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud “Dhuusp-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud “Dhuusp-Fooxiye”? Yaa Dowladda #Soomaaliya Iyo Ururka Argagixsada Shabaab dhexdhexaadinaaya? Maxay beesha caalamka u diiday inay wax dhaqaallo ah siiso Dowladda Soomaaliya? Meeqo Dowladdood ayaa diiday inay wax dhaqaallo siiso Dowladda #Soomaaliya?      

Ha Wiqleyso!

Yeman 27ka Agoosto 2024 Maraykanka ayaa ka digaya masiibo deegaan oo ka dhalan karta badda cas ka dib weerar ay fallaagada Xuutiyiinta Yemen ay ku qaadeen markab shidaal usbuucii hore.

Safiirka Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield ayaa goor dambe oo Axadii ahayd, u soo jeedisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in uu ” cambaareeyo” weerarka Xuutiyiintu ay ku qaadeen MT Delta Sounion.

“Ficilada naxariis darada ah ee Xuutiyiintu waxay halis ku yihiin inay abuuraan masiibo deegaan oo cawaaqib xun ku leh gobolka,” ayay Linda Thomas-Greenfield ku soo qortay barteeda X.

Waxay sheegtay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu dalbado in si degdeg ah loogu hoggaansamo qaraarkii bishii Janaayo ee Xuutiyiinta ugu baaqaya inay si degdeg ah u joojiyaan weerarrada ay ku hayaan maraakiibta maraya Badda Cas.

Xuutiyiinta oo ay taageerto Iran ayaa sheegay Khamiistii inay beegsadeen markab watay calanka Giriiga, taasoo qayb ka ahayd ololahooda ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga ee maraya badda cas, iyaga oo taageero u muujinaya Falastiiniyiinta xilli uu socdo dagaalka Israel iyo Xamaas ee Gaza.

Kooxaha gurmadka degdegga ah ayaa ka daadgureeyay shaqaalihii markabkaas saarnaa, ka dib markii la weeraray, taasoo keentay in markabka uu dab qabsado.

Howlgalka ciidamada badda cas ee Midowga Yurub ee Aspides ayaa sheegay in markabka uu siday 150,000 metric ton oo saliid ceyriin ah.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka Matthew Miller ayaa Sabtidii sheegay in Xuutiyiintu “ay caddeeyeen inay diyaar u yihiin inay burburiyaan hannaanka kalluumaysiga iyo bii’adda ama deegaanka ee gobolka, taas oo bulshada Yemen iyo bulshooyinka kale ee gobolkuba ay ku tiirsan yihiin”

Ololaha Xuutiyiinta ayaa hakad galiyay maraakiibtii ganacsi ee isaga kala gooshaysay badda cas iyo gacanka cadmeed,taasi oo keentay in shirkado badan oo maraakiib ah ay marakiibta u rogaan wadooyin dhaadheer oo qaali ah.

Qaar ka mid ah macluumaadka sheekadan waxaa laga soo xigtay Associated Press iyo Reuters + Voa

Ruushka 27ka Agoosto 2024  Ruushka ayaa Isniintii garaacay inta badan magaalooyinka Ukraine, isaga oo weerarkaasi cirka ahaa u adeegsaday tiro badan oo gantaallo ah iyo diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ee bambooyinka tuura.

Weerarkaasi oo uu madaxweyne Volodymyr Zelenskyy ku tilmaamay mid “wuxushnimo ah” ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen ugu yaraan afar qof, halka ay dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Ciidamada cirka ee Ukraine ayaa sheegay in wax ka badan 100 gantaal iyo tiro badan oo diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ee Ruushka ay gantaallo ka soo rideen dhinacyada bari, waqooyiga, koofurta iyo gobollada dhexe.

Waxay kaloo sheegeen in weerarka uu bilowday saqdii dhexe ee xalay isla markaana ay sii socdeen ilaa waaberigii.

Waxaana weerarkaasi lagu tilmaamay kii ugu weynaa ee uu Ruushka ku qaado Ukraine muddo todobaadyo ah.

Ra’isulwasaaraha Ukrain Denys Shmyhal ayaa sheegay in ciidanka Ruushka ay illaa 15 gobol oo ka tirsan Ukraine ku garaaceen gantaallo isugu jira, kuwa diyaaradaha darooniska, gantaallada Kuruuska ee maraakiibta laga soo tuuro, kuwa guuxooda ka dheereeya iyo kuwa baalistiga.

Meelaha la duqeeyay waxaa ka mid ah magaalada caasimadda ah ee Kyiv. Duqa magaalada Vitali Klitschko ayaa sheegay in duqeymaha ay carqaladeeyen biyaha iyo korontada.

Israel Iyo Isbu-Allah 27ka Agoosto 2024  Israa’iil ayaa sheegtay in ay qaaday mowjado duqeymo ah oo ka dhacay koonfurta Lubnaan si ay uga hortagto gantaallo waaweyn iyo kuwa diyaaradaha aan duuliye lahayn oo ay soo qaadeen Xisbullah.

Diyaaradaha ayaa burburiyay kumanaan gantaalada kooxda hubaysan ee Iran ay taageerto subaxnimadii Axada, sida uu sheegay militariga Israel. Ururka Xisbullah iyo xulafadooda Amal ayaa sheegay in saddex dagaalyahan laga dilay.

Ururka Xisbullah ayaa sheegay in ay wali ku guulaysteen in ay ku dhuftaan 320 gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn Israa’iil si ay uga aargoostaan ​​dilka taliye sare. Sida laga soo xigtay militariga Israel, hal askari oo ka tirsan ciidamada badda ee Israel ayaa la dilay.

Mareykanka ayaa sheegay inuu ka shaqeynayo sidii looga fogaan lahaa xaalad kale oo colaadeed ka dib 10 bilood oo colaado ah taasoo sare u qaaday cabsida laga qabo dagaal dhan walba ah.

Waxaa jiray ku dhawaad ​​maalin kasta rasaas la is weydaarsanayay xadka Israa’iil iyo Lubnaan tan iyo maalin kadib markii uu bilowday dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ee Gaza 7-dii Oktoobar. Ma jirin wax horumar ah oo laga gaaray wareegii ugu dambeeyay ee wadahadalada nabada Gaza ee uu Maraykanku taageerayo ee ka dhacay Qaahira.

Kahor inta aysan bixin, Xamaas waxa ay sheegtay in ay iska diiday shuruudo cusub oo Israa’iil ah, waxa ayna Israa’iil ku eedeysay in ay ka laabatay balamo. Israa’iil ayaa diiday in ay wax ka beddesho dalabaadkeeda tan iyo wareegii ugu dambeeyay ee wadahadalladii horaantii Luulyo.

Ururka Xisbullah ayaa sheegay in ay u dhaqmayaan sidii ay u taageeri lahaayeen kooxda Falastiin, oo sidoo kale ay taageerto Iran. Xamaas iyo Hezbollah labaduba waxa ay Israa’iil, UK iyo waddamo kale ka ku qeexeen inay yihiin ururro argagixiso.

Tan iyo bishii Oktoobar, in ka badan 560 qof ayay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan in la dilay, kuwaas oo u badan dagaalyahannada Xisbullah, halka 26 rayid ah iyo 23 askari lagu dilay Israa’iil, sida ay masuuliyiintu sheegeen. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhawaad ​​200,000 oo qof ay sidoo kale ku barakaceen labada dhinac ee xadka.

Isha: BBC

Muqdisho 27ka Agoosto 2024 Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa kaalmo lacageed gaarsiiyay qaar kamid ah dadkii dhawaan ku waxyeeloobay weerarkii bahalnimo ee ka fhacay xeebta Liido.

Guddiga gurmadka qaran ee qaraxii Liido ayaa xarunta qaran ee howl-gallada gurmadka deg-degga ah ee hay’adda maareeynta musiibooyinka kula kulmay ehellada dadkii ku naf-waayay weerarkii argagaxiso ee billowgii bishaan ka dhacay xeebta Liido.

Guddiga ayaa min $2000 oo doolar oo taakulo ah guddoonsiiyay ehellada 36 qof oo ku dhintay weerarkaas.

Sidoo kale waxay ballan-qaadeen in aan intaas looga hari doonin oo si gaar ah dowladda Soomaaliya kaga war-qabi doonto dhammaan walaalaha wax-yeelladu gaartay.

Guddiga ayaa sidaan oo kale, hore qoondo lacageed u guddoonsiiyay dadka dhaawacyadu ka soo gaareen weerarka fulaynimada ah ee argagaxiso.

Guddoomiye Maxamuud Macalin Cabdulle oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay sii wada doonaan kaalmeynta dadkii waxyeeloobay qaraxaasi, isagoo ka digay wax uu ku sheegay “been abuurka baraha bulshada.”

“Waxaa jira kuwo aan bahda warbaahinta ka tirsaneyn oo Facebook-yada wax ku qora ilaahayna aan ka baqeyn oo marka loo gurmanayo dadka Soomaaliyeed been u sheega gurmadka socdana aan ka qeybqaadan,” ayuu yiri guddoomiyaha SODMA

Muqdisho 27ka Agoosto 2024  Waxaa si rasmi ah u howl-gashay xarunta bangiga dhiigga qaranka, taas oo si toos ah u shaqeyn doonta wixii maanta ka dambeeya, sida uu ku dhowaaqay wasiirka caafimaadka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan.

Munaasabadda shaacinta ololaha dhiigga bixinta ayaa waxaa wasiirka ku wehlinayey xidhibaano ka tirsan BF, agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Guuleed Cabdijaliil, maamulka agaasimaha bangiga dhiigga, agaasimaha isbitaalka Banaadir iyo xubno kale.

Dhamaan madaxdii maanta tagtey ee uu hogaaminayey wasiirka caafimaadka ayaa dhiigooda ku deeqey waxay noqdeen mas’uuliyiintii ugu horreysey ee si mutadawacnimo ah usii bixiya maadaama ololahan ay ka wada qeyb qaadan doonaan dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Dhismaha bangiga dhiigga ayaa soo marey heerar kala duwan waxaana ugu dambeyn lagu guuleystey dhamaystirkiisa iyo in uu si toos ah u howl-galo maalintii shalay oo ay taariikhdu aheyd 26, August 2024.

Tan ayaa qeyb ka ah gaaritaanka yoolka horumarinta caafimaadka guud ee dalka, sidoo kale wuxuu si weyn u xoojin doonaa silsilada sahayda caafimaadka ee xudunta udub dhexaadka u ah kaydinta dhiiga iyo muwaadinku si sahlan uu uga dhiman dhiig la’aan.

Howl-galinta Bangiga dhiigga waa tallaabo aad u wayn oo loo qaaday dhinaca horumarinta adeegyada caafimaadka guud ahaan, sidoo kale waa tallaabo horay loogu qaaday xaqiijinta hiigsiga xukuumadda Dan-Qaran ee ku qeexan qorshaha qaranka, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.

Dhismaha bangiga dhiigga ayaa soo marey heerar kala duwan waxaana ugu dambeyn lagu guuleystey dhamaystirkiisa iyo in uu si toos ah u howl-galo maalintii shalay oo ay taariikhdu aheyd 26, August 2024.

Tan ayaa qeyb ka ah gaaritaanka yoolka horumarinta caafimaadka guud ee dalka, sidoo kale wuxuu si weyn u xoojin doonaa silsilada sahayda caafimaadka ee xudunta udub dhexaadka u ah kaydinta dhiiga iyo muwaadinku si sahlan uu uga dhiman dhiig la’aan.

Howl-galinta Bangiga dhiigga waa tallaabo aad u wayn oo loo qaaday dhinaca horumarinta adeegyada caafimaadka guud ahaan, sidoo kale waa tallaabo horay loogu qaaday xaqiijinta hiigsiga xukuumadda Dan-Qaran ee ku qeexan qorshaha qaranka, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka ayaa sidoo kale ku dhawaaqey ololaha bulshada Soomaaliyeed ugu qeyb qaadan karto keydinta dhiigga si looga maarmo in mararka ay dhacdo xaaladaha deg-degga ah in baraha bulshada laga naadiyo dhiigagga loo baahan yahay ama la waayo.

Wasaaradda caafimaadka ayuu sheegay inay ka go’an tahay horumarinta iyo tayeynta caafimaadka, si loo gaaro yoolka fog ee hiigsiga horumarinta caafimaadka, maadaama caafimaadku yahay kan ugu muhiimsan adeegyada bulshada.

WARARKA MAANTA 24\ka Agoosto 2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa #Soomaaliya xukumma Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud “Dhuusp-Fooxiye” mise Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle “Kaligii-Talis”? Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud “Dhuusp-Fooxiye” u diiday inuu sameeyo #Maqaamka #Muqdisho? Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud “Dhuusp-Fooxiye” u diiday inuu sameeyo Maxkmamadda Dastuuriga ah? Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud “Dhuusp-Fooxiye” u keenayaa ciidamo Masaari ah dalka #Soomaaliya? Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud “Dhuusp-Fooxiye” u beddelay Dastuurka Federaalka? Yaa ogolaaday inay xaasaskiisa iyo ilmihiisa xilal iyo lacago baad ah ka qaataan laamaha dowliga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud “Dhuusp-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso!

Muqdisho 24\ka Agoosto 2024  Maxkamadda Sare ee dalka ayaa maanta si toos ah u guda gashay kiiska ninkii gubay xaaskiisa Sayid Cali Macallin Daa’uud, kaas oo ay horay dil ugu soo xukumeen maxkamadda darajada koowaad iyo tan racfaanka ee gobolka Banaadir.

Maxkamadda sare ayaa goordhow gudaha gashay kiiskan, ayada oo fadhigaan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo ay maxkamaddu ka yeelaneyso kiiska Sayid Cali.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Axmed Yuusuf ayaa fadhiya hoolka, waxaana sidoo kale goobjoog ah xeer ilaalinta iyo qareennada difaacaya eedeysanaha

Sidoo kale waxaa maxkamadda ku sugan ehellada labada dhinac, waxaana ku jira Aabe Cabdicasiis Maxamed oo muddo dheer sugayay cadaaladda gabadhiisa Luul.

Aabe Cabdicasiis oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo in kiiska uu soo dhammaado isla markaana uu helo cadaalad.

Kiiska Sayid Cali Macallin Daa’uud ayaa qaatay muddo dheer, wuxuuna soo maray heerar kala duwan, wuxuuna maanta joogaa heerkii ugu dambeeyay ayada oo laga war dhowrayo go’aanka Maxkamadda Sare oo noqon doono kan ugu dambeeyay.

Sayid Cali waxay horay loogu helay inuu gubay xaaskiisii oo uur lahayd dhacdadaas oo ka dhacay degmada Dharkenley, waxaana aad uga xumaaday dadka Soomaaliyee

Muqdisho 24\ka Agoosto 2024  Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo u dhexeeyay kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada ATMIS oo maanta ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaadka Al-Shabaab ay weeraro ku qaadeen saldhigyo ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin deegaanada Daanow iyo Buur-Colow ee gobolkaasi, waxaana xigay dagaallo toos ah oo dhex-maray labada dhinac.

ATMIS oo si kooban uga hadashay dagaalkan waxa ay shaacisay inay iska difaacday weerarka uga yimid Al-Shabaab, isla markaana ay iyaga gacanta ku hayaan deegaanada lagu dagaalamay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhankeeda guul wayn ka sheegtaya weerarada ay ku eekeysay saldhigyadaasi, waxayna xustay inay dishay askar ka tirsanaa ciidamada ATMIS, walow aysan shaacin tiradooda rasmiga ah.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana weerarada kadib howlgallo sameeyay ciidamada ATMIS oo kaashanaya kuwa dowladda ee ku sugan Shabeelaha Hoose.

ATMIS ayaa hadda waqtigeedu dhammaad yahay, waxaana la filayaa in dabayaaqada sanadkan ay isaga baxaan gudaha Soomaaliya, maadaama la diyaariyay howlgal cusub oo bedalay, kaas oo ay dhowaan ansixiyeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Si kastaba, dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufu oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada huwanta ee ku sugan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, xilli ay weli sii socdaan howlgallada xoreynta ee ka socda gudaha dalka.

Muqdisho 24\ka Agoosto 2024 Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta ku dhowaaqday xukunka kama dambeysta ah ee Daadir Cali Cismaan iyo Cabdullahi Cali Cismaan oo loo haystay dilka guddoomiyihii deegaanka Mareereey ee gobolka Shabeelaha Dhexe Xuseen Xasan Mool-gale.

Maxkamadda Sare ayaa walaalahan wada dhashay kiiskooda kasoo saartay xukun, waxaana dil lagu ridday Daadir Cali Cismaan oo ah qisaasta marxuum Xuseen Xasan Mool-gale. halka ay maxkamaddu xoriyaddiisa dib ugu celisay Cabdullahi Cali Cismaan.

Kiiskan ayaa soo maray marxalado kala duwan, waxaana Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada ay xukun kasoo saartay 30-kii bishiin June ee sanadkan , balse Xukunsaneyaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunkii lagu riday.

Hoose ka aqriso go’aanka ay soo saartay Maxkamadda Sare

Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida ayaa xukuno kala duwan kasoo saartay kiiska Daadir Cali Cusmaan & Cabdullaahi Cali Cusmaan oo loo heysto dilka Marxuum Xuseen Xasan Mool-gale oo ahaa guddoomiyihii deegaanka Mareereey ee gobolka Shabeelada dhexe, falkaasi oo dhacay taariikhdu markii ay aheyd Sodonka Bishii Maarso ee sanadkan.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiisaskan , fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukun ka soo saartay Sodonkii bishii Juun ee Sanadkaan, balse Xukunsaneyaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunkii lagu riday.

Sagaal iyo Tobanka bishaan Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka Sida oo aqbashay dalabkii racfaanka, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyaddoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.

Daadir Cali Cismaan ayey Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum Xuseen Xasan Mool-gale, halka
Cabdullaahi Cali Cusmaan ay Maxkamadu xorriyadiisa dib u siisay.

Sida uu warbaahinta u sheegay Sareeye Guuto Liibaan Cali Yaroow Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida.

Muqdisho 24\ka Agoosto 2024  Aabe Cabdicasiis Maxamed oo dhalay marxuumad Luul oo ahayd xaaskii Sayid-Cali Macallin Daa’uud ayaa maanta soo saaray dalab culus ku aadan kiiskiisa gabadhiisa, xilli ay maanta guda gashay Maxkamadda Sare ee dalka.

Aaabe Cabdicasiis ayaa dalab toos u ah gudbiyay Maxkamadda Sare, wuxuuna ka codsaday inay cadaalad u raadiso gabdhiisa, ayna si xaq ah ugu kala xaq soorto labada dhinac.

Waxaa kale oo uu rajo wanaagsan ka qabo in kiiska uu soo dhammaan doono, isla markaana uu heli cadaalad.

“Xaalkeeda normal waayay waxaan sugayaa cadaalad ayaan Ilaahey ka sugeynaa xaqa hala ilaaliyo dadka haloo kala xaq sooro, cidna yaan loo eexan” ayuu yiri Aabe Cabdicasiis.

Sidoo kale waxaa weli socota dooda maxkamadda, iyada oo marka hore la dhegeystay qareennada difaacaya eedeysanaha oo iyagu rafcaan usoo qaatay Maxkamadda Sare.

“Marqaatiyaashii iyo Dhakhaatiirtii gacanta ku heysay Marxuumad Luul midna ma sheegin in uu Sayid Cali dilay xaaskiisa” ayuu doodiisa ku yiri Abuukaate Cali Xalane.

Waxaa sidoo kale la dhegsetay xafiiska xeer ilaalinta oo isna sharraxaad ka bixiyay dacwadda loo haysto Sayid Cali Macallin Daa’uud oo uu kiiskiisu soo maray marxalado kala duwan.

”Waxaan maxkamada keenay markhaatiyaal nool nool oo cadeynaya in ay maqlayeen AUN marxuumad Luul oo leh walalow ha igubin miyaadan muslim ahayn oo ashahaadaneyso” ayuu yiri Xeer-ilaaliye ku xigeen Yaxye Maxamuud

Sayid-Cali Macallin Daa’uud waxaa horay xukuno dil ah ugu riday labax maxkamadood oo kala ah maxkamadda darajada koowaad iyo midda racfaanka ee gobolka Banaadir.

WARARKA MAANTA 23\ka Agoosto 2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa diidi kara maanta inuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud “Dhuusp-Fooxiye” noqday Madaxweyne ka shaqayn danta dadka, dalka iyo diinta? Maxuuse Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud “Dhuusp-Fooxiye” u noqday madaxweyne diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho Iyo Maxkammadda Dastuuriga? Maxayse samayn doonaan ragga 3da ah oo raba inay dagaal sokeeye dib uga huriyaan #Soomaaliya oo Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud “Dhuusp-Fooxiye” uu masuul ka yahay? Yaa #Djabyyti ku kulmay? Maxuuse yahay kulaanka #Djbatuuti? 

Ha Wiqleyso!

Muqdisho 23\ka Agoosto 2024 Waxaa banaanka u soo baxay khilaaf hareeyay Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya oo u dhaxeeya sadaxda masuul ee Wasaaraddaas oo kala ah Wasiirka, wasiir ku xigeenka iyo Wasiiru dowlaha, kuwaas oo isku khilaafsan maamulista wasaaradda Qorsheynta. Khilaafka iyo is qabqabsiga u dhaxeeya masuuliyiinta oo la tilmaamay inuu mudo si hoose u soo jiitamaayay ayaa si rasmi ah u soo shaac baxay gilinkii dambe ee Shalay kadib markii wasiirka qorsheynta uu xilkii ka qaaday Agaasimaha Hay’adda Istaastitikadda Qaranka Sharmaake Maxamed Faarax.

Xilka qaadista Agaasimaha Hay’adda Istaastitikadda Qaranka Sharmaake Maxamed Faarax ayaa ku timid soo jeedin ka timid Guddiga Sare ee Golaha maamulka Istaatikada Qaranka, kuwaas oo dhankooda isku raacay xil ka qaadista.

Talaabada xilka qaadista Agaasime Sharmaake Maxamed Faarax ayaa waxaa si cad uga horyimid oo sharci daro ku tilmaamay Wasiir ku xigeenka Wasaarada oo sheegay in Wasiirka uusan kaligiis awood u laheyn inuu sameeyo xil ka qaadis, islamarkaana ay sharci tahay inuu marka hore arrintaas kala tashado masuuliyiinta kale ee Wasaaradda.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Maxamed Cabduqaadir Cali ayaa sidoo kale faray Agaasimaha Hay’adda Istaastitikadda Qaranka Sharmaake Maxamed Faarax inuu wato shaqdiisa.

Khilaafkaan ka dhex taagan Wasaarada Qorsheynta ayaa haatan gaaray xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo la filayo inuu xaliyo khilafka hareeyay madaxda Wasaaradda Qorsheynta.

Muqdisho 23\ka Agoosto 2024 Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka hor yimid qaraarkii xalay ka soo baxay golaha wasiirrada ee XFS, kaas oo lagu mamnuucay in lacag lagu qaaday magaca dowladda ay ku dhacdo Akoon aan aheyn khasnadda mideysan ee dowladda oo maamusho wasaaradda maaliyadda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ayaa maanta ka hadlay go’aankaas, isagoo sheegay in canshuurta ay qaadaan aysan quseyn tan dowladda dhexe oo maamulka gobolka ay u gaartahay.

Madaale ayaa ku dooday in maamulka gobolka Banaadir ay dadka reer Muqdisho ka rabaan adeegyo muhiim ah, taasi oo khasab ka dhigeysa inay gaar u qaadaan canshuurta.

“Dowladda Hoose ee Xamar, mar weliba canshuurteeda waa mid madax banaan maxaa yeelay wax-qabad ayaa laga rabaa” ayuu yiri Guddoomiye Madaale.

Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay inay muhiim tahay in la bixiyo canshuurta, maadaama aysan dowladdu waxa qaba karin hadii aysan muwaadiniintu noqon canshuur bixiyaal.

Golaha wasiirrada qararka ay soo saareen ayaa toos u mamnuucaya mashaariic uu ku jiri fayadhowrka caafimaadka oo hoos taga maamulka gobolka, sidoo kale qaraarkaan ayaa meelo badan ka saameynaya lacago badan oo soo geli jiray maamulka gobolka Banaadir.

Durbadiiba Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa soo dhaweeyay qaraarkii Golaha Wasiirrada ee ku saabsanaa maareynta canshuuraha iyo dakhliga dowladda, kaas oo xoojinaya hufnaanta iyo isla xisaabtanka maaliyadeed.

Balse duqa Muqdisho ayaa dhibsaday qararkaas isagoo farriin u diray xukuumadda, una sheegay in canshuurta ay gooni u qaadi doonaan, maadaama laga sugayo adeegyo badan oo dadka reer Muqdisho ay helaan, kuwaas oo dhismaha wadooyinka uu ka xusay.

Lebanaan 23\ka Agoosto 2024 Xisbullah ayaa dhowr gantaalku tuurtay Golan Heights-ka la heysto kadib markii diyaarado ay weerareen gudaha Lubnaan, iyadoo cabsida dagaalka ay sii kordheyso.

MIlitariga Israa’iil ayaa sheegay inay xalay garaaceen keydka hubka ee Xisbullah oo ku yaalla Dooxada Bekaa. Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in hal qof uu ku dhintay 30 kalena ay ku dhaawacmeen.

Iyadoo ka jawaabeysa, Xisbullah, oo ay Iiraan taageerto, waxay sheegtay inay beegsatay aagag militari oo Israa’iil leedahay oo ku yaalla Golan. Israa’iil ayaa sheegtay in labo guri ay gantaalladu ku dhaceen isla markaana hal qof uu ku dhaawacmay.

Dhanka kale, dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta ee Fatax ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay dishay xubin sare oo ka tirsan garabkeeda hubeysan ee ku sugan Lubnaan si ay dagaal uga cusbooneysiiso gobolka.

Militariga Israa’iil ayaa sheegay in Khalil al-Makdah ay ku dileen duqeymo ay ka geysteen magaalo-dekadeedka koofureed ee Sidon sababo la xiriira inuu matalayay Ilaalada Kacaanka uuna ku lug lahaa agaasinka weerarrada iyo inuu hub geeyo Daanta Galbeed ee la heysto.

Waxaa la sheegay inuu yahay weerarkii ugu horreeyay ee lagu qaado xubin ka tirsan Fatax tan iyo billowgii dagaalka, kaasoo horseeday inay kordhaan weerarrada xadka ka gudba ee u dhaxeeya Israa’iil iyo Xisbullah.

Xiisadaha ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay kordhay kadib markii Israa’iil ay Beyruut ku dishay taliye sare oo ka tirsanaa Xisbullah, kaasoo ay ku eedeysay inuu 12 carruur ah ku dilay weerar.

Ilaa iyo haatan, in ka badan 530 qof ayaa lagu dilay Lubnaan, waxaana ka mid ahaa 130 rayid, iyo 49 qof oo lagu dilay Israa’iil, ayna ka mid yihiin 26 rayid ah. Ku dhowaad 200,000 oo qof ayaa laga barakiciyay xadka labada dhinac.

Wasiirka Difaaca Israa’iil Yoav Gallant ayaa ciidamada u sheegay Talaadadii in xarunta militariga ay kasoo wareegtay Gaza ayna usoo wareegeyso xadka Lubnaan.

Subixii Arbacada, Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa ku dhawaaqay in diyaarado ay xalay garaaceen tiro keydadka hubka ee Xibsullah ah.

IDF ayaa sidoo kale sheegay inay beegsadeen dagaal-yahannada Xisbullah oo ku sugnaa magaalada xadka koofureed ee Beit Lif.

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in duqeymaha gobolka Bekaa uu ku dhintay ha qof, oo aan magaciisa la sheegin, isla markaana sagaal carruur ah ay ka mid ahaayeen 30-ka dhaawacmay.

Iyadoo ka jawaabeysa duqeymaha, Xisbullah ayaa weerartay saldhigga IDF oo ku yaalla Golan Heights.

IDF ayaa sheegtay in ilaa 50 gantaal laga soo tuuray Lubnaan isla markaana qaarkood ay ku dhaceen deegaanka Katzrin.

Nin 30 jir ah ayaa waxaa dhaawac kasoo gaaray haraaga gantaal markii gurigiisa uu dab qabsaday, sida ay sheegtay waaxda gawaarida degdegga ah ee Magen David Adom.

Taliye xigeenka Taliska Waqooyi ee IDF, Janaraal Alon Friedman, ayaa Xisbullah ku eedeeyay inay beegsadeen 8,000 rayid ah oo ku nool Katzrin.

Xisbullah ayaa sidoo kale sheegtay inay duqeymo kale oo cirka ah ku weerartay saldhigyo milatariga Israa’iil ay ku leeyihiin Amiad, oo u dhow Badda Galilee. IDF ayaa sheegtay in qaar ka mid ah diyaaradaha duqeymaha geysanayay ay aagga kusoo dhaceen, iyagoo aan wax khasaare ah geysan.

Goor dambe shalay, duqeymo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ayaa waxaa lagu dilay Khalil al-Makdah oo Fatax ka tirsanaa xilli uu gaari ku kaxaynayay deegaanka Sidon.

Garabka hubeysan ee Fatax, ee Shuhadada al-Aqsa – oo laanteeda Lubnaan uu madax u yahay walaalkiis, Mounir – ayaa mar dambe xaqiijisay geeridiisa waxayna ku tilmaameen “mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha golaha militariga ee Daanta Galbeed”.

Tawfiq Tirawy, oo xubin ka mid ah Guddiga Dhexe ee Fatax oo ku sugan Ramallah, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in “dilka sarkaal Fatax ka tirsan uu caddeyn u yahay in Israa’iil ay dooneyso hurinta dagaal buuxa oo gobolka ka qarxa”.

Isha: BBC

Muqdisho 23\ka Agoosto 2024 Shirkadaha diyaaradaha ee Ethiopian Airlines iyo Flydubai ayaa deg deg u cusbooneysiiyey xogta duulimaadkooda iyagoo raacaya awaamiirta Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya oo ku amartay inay duulimaadkooda Hargeysa ka dhigaan Soomaaliya.

Amarka Hay’adda ayaa u dhignaa in duulimaadka diyaaradahaas oo ahaa “Hargeysa Somaliland, loo bedelo Hargeysa Soomaaliya” maadaama hawada dalka oo dhan ay maamusho hey’adda duulista rayidka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Isla maanta shirkadaha diyaaradaha Ethiopian Airlines iyo Flydubai ayaa shaaciyey inay u hoggaamsameen amarkaas, isla markaana ay duulimaadyadoodii Hargeysa ka dhigeen kuwo qeyb ka ah duulimaadyadooda Jamhuuriyadda Soomaaliya

Durbadiiba dadka reer Somaliland ayaa ka carooday arrintaan, iyagoo ku andacoonaya in shirkadahaasi ay ku xadgubayaan qaranimada iyo madax-banaanida Somaliland, maadaama ay u hoggaansameen awaamiirta dowladda federaalka Soomaaliya.

“Waxaan aad iyo aad uga xunahay falkii Flydubai iyo Flyethiopian ay ugu xadgudbeen qaranimada iyo sharafta dalkeena, kadib markii ay u hogaansameen go’aamadii iyo awaamiirtii maamulkii Muqdisho ee fashilmay ee ahaa in ay meesha ka saaraan duulimaadyadooda Somaliland,” ayuu yiri mid kadim ah dhalinyarada reer Hargeysa.

Hay’adda duulista rayidka Soomaaliya ayaa shalay amarkaan soo saartay, iyadoo shirkadahaas u cadeysay ciqaabta ay muteysa doonaan hadii ay fuli waayaan amarka dowladda federaalka Soomaaliya.

Maamulka Somaliland weli kama hadlin arrintaan, waxaana laga sugayaa go’aanka ay ka qaadanayaan shirkadahaan u hoggaansamay amarka dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo meesha ka saaraya magaca Somaliland oo Hargeysa ka dhigaya magaalo Soomaaliyeed.

Diyaaradda Ethiopian Airlines iyo Flydubai ayaa markii hore ku duuli jiray Hargeysa Somaliland, balse hadda kadib waxay ku duuli doonaan Hargeysa Soomaaliya, taasi oo baabi’ineysa riyadii gooni u goosadka ee maamulka Somaliland.

Muqdisho 23\ka Agoosto 2024  Dalka Imaaraadka Carabta ayaa waraaqaha aqqoonsiga ka guddoomay dublamaasi ay Taliban u magacowday in uu noqdo safiirka Afghanistan ee dalkaasi, sida uu xaqiijiyay sarkaal ka tirsan dowladda Imaaraadka.

Dalkan ku yaalla Khaliijka Carbeed ayaa sidaas ku noqonaya dalkii labaad ee aqqoonsada danjire ay Daalibaan magacowday ka dib dowladda Shiinaha.

Diblomaasiyiinta Daalibaan ayaa ilaa sanadkii hore maamulayay safaaradda Afghanistan ay ku leedahay Abu Dhabi iyo qunsuliyadda ay ku leedahay Dubai, sida ay dublamaasiyiinta shisheeye ku warrameen, inkastoo ay muuqato in dublumaasiyiintaasi aan loo aqbalin sida dublumaasiyiin ka wakiil ah Afghanistan.

Sarkaal ka tirsan Imaaraadka ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in aqbalidda “waraaqaha aqqoonsiga danjirenimo ee safiirka Afghanistan” ay dib u xaqiijinayso go’aanka ay dowladda Imaaraadku ee kaalmeynta Afgaanistaan, oo ay ku jirto mashaariicda horumarinta iyo kuwa dib u dhiska.

Sarkaalku ma sheegin in Imaaraatka Carabta oo ka mid ahaa saddex waddan oo aqqoonsaday dawladdii Taliban ee Afghanistan maamuleysay 1996-2001, ay hadda Taliban u aqqoonsatay dawladda rasmiga ah ee Afgaanistaan.

Ma jirto dowlad si rasmi ah u aqqoonsatay xukuumadda Daalibaan tan iyo markii ay xukunka dib ula wareegtay saddex sano ka hor, iyadoo ilaa hadda uu Shiinaha oo kali ah si rasmi ah u aqbalay warqadaha aqqoonsiga safiirnimo ee danjire ay Daalibaan dalkaasi u dirsatay.

Laakin dad ay Daalibaan xilalka u magacowday ayaa howlo diblumaasiyadeed ka qabta dalal dhowr ah oo uu ka mid yahay dalka deriska ah ee Pakistan.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee ay maamusho Daalibaan ayaa bayaan ay soo saartay galinkii dambe ee Arbacadii ku sheegtay in Mawlawi Badreddin Haqqani loo magacaabay safiir, wuxuuna warqadihiisa aqqoonsiga u gudbiyay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta u qaabilsan arrimaha habmaamuuska.

Muqdisho 23\ka Agoosto 2024  Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shuruud uga dhigtay Itoobiya inay ka laabato is-afgaradkii Somaliland ee badda, si ay ciidankeedu qeyb usii joogaan gudaha Soomaaliya.

Tan ayaa ka dhigan in Soomaaliya ay Itoobiya u ogolaan doonto inay qeyb ka noqoto howl-galka soo socda ee beddelaya ATMIS, haddii ay Itoobiya ka laabato is-afgaradka Somaliland oo xiisad xooggan ka dhex abuuray labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo ka qeyb-galay kulan dadweyne oo su’aallo lagu weydiinayay ayaa si cad u sheegay in Itoobiya aanay ciidankeeda kamid noqon doonin howl-galka cusub ee ATMIS lagu baddelayo haddii ay diido inay dib uga laabato heshiiskii ay la gashay maamulka Somaliland.

Xamza ayaa xusay in dowladda federaalka Soomaaliya ay gudbisay qaraar ka dhan ah xad-gudubka Itoobiya, ayadoo hadda laga sugayo xukuumadda Addis Ababa inay ka laabato haddii ay diiddana ciidankeeda laga saarayo gudaha dalka.

“Haddii Itoobiya aysan ka noqon MOU-da (heshiiskii ay la gashay maamulka Somaliland) ciidankeeda kama mid ahaan doonnaan howl-galka soo socda, haddii ay sii joogaan magac kale ayay yeelan doonaan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Waxa uu intaas ku daray “in haddii aanay ixtiraam u muujin midnimada iyo wada-jirka Soomaaliya in aan Itoobiya laga aqbali doonin in ay kasii mid ahaadaan howl-galka Midowga Afrika ee fasaxa ka heysta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.”

Go’aanka dowladda federaalka ayaa imanaya xilli bisha soo socota ee September loo ballansan yahay in wajiga saddexaad ee wada-hadalka Soomaaliya iyo Itoobiya uu ka dhaco dalka Turkiga, ayada oo uusan weli muuqan wax isku soo dhawaansho ah oo labada dhinaca.

Muqdisho 23\ka Agoosto 2024  Waxaa banaanka u soo baxay khilaaf xooggan oo ka taagan wasaaradda qorsheynta Soomaaliya, kaasi oo u dhaxeeya masuuliyiinta ugu sarreysa wasaaradda.

Khilaafkan ayaa si gaar ah uga dhex aloosan saddexda masuul ee kala ah wasiirka wasaaradda, wasiir ku-xigeenka iyo wasiiru-dowlaha, kuwaas oo isku haya maamulka wasaaradda, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Khilaafka iyo is qab-qabsiga u dhaxeeya masuuliyiintan oo la tilmaamay inuu mudo si hoose usoo jiitamayay ayaa banaanka yimid kadib markii uu wasiirka qorsheynta Mudane Beene-Beene uu xilkii ka qaaday agaasimaha hay’adda istaatistikadda qaranka Sharmaake Faarax.

Xil ka qaadista uu sameeyay wasiir Beene-Beene ayaa ku timid soo jeedin ay u dhamaayeen xubnaha guddiga sare ee golaha maamulka istaatikada qaranka, kuwaas oo isku raacay in xilka laga qaado.

Guddiga ayaa ku eedeeyay agaasimaha fadhiidnimo shaqo, iyagoo waisirka wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha XFS usoo jeediyay inuu aqbalo xil ka qaadista agaasimaha xafiiska istaatiskida qaranka.

Tallaabada uu qaaday wasiir Beene-Beene ee xilka uga qaaday agaasime Sharmaake ayaa waxaa si cad uga horyimid wasiir ku-xigeenka wasaarada oo sheegay in wasiirka uusan kaligiis awood u laheyn inuu sameeyo xil ka qaadis.

Wasiir ku-xigeenka Maxamed Cabduqaadir ayaa xil ka qaadista agaasimaha ku tilmaamay sharci daro, isaga oo wasiirka ku eedeeyay in uusan ka tala-gelin go’aankan oo ay aheyd inuu kala tashado masuuliyiinta kale ee wasaaradda.

Sidoo kale wuxuu faray in agaasimaha hay’adda istaastitikadda qaranka Sharmaake Faarax uu sii wato shaqadiisa, taas oo ka hor imaneysa xil ka qaadista wasiirka wasaaradda qorsheynta Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, khilaafkan ayaa hadda gaaray xafiiska ra’iisul wasaaraha, waxaana la filayaa inuu ra’iisul wasaare Xamza xal ka gaaro khilaafka mudadda huursanaa ee ka taagan ee ka taagan wasaaradda qorsheynta.

WARARKA MAANTA 21\ka Agoosto 2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa diidi kara waxyaabaha uu kashifaayo Weriye Macallinka Lugeeya? Yaa diidi kara fashilka Hay’adda nabad_Sugidaa iyo Sirdoonka Qaranka #NISA?  Yaa shalay been sheegay oo maanta waxii uu ka qaylinaayey maanta samaynaaya Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud “Dhuusp-Fooxiye”? Yaa diili raba Madaxweynihii hore ee #Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo “Been-Hawaas”? MaxuuseMadaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud “Dhuusp-Fooxiye” iyo kooxdiisa Damu-Jadiid u rabaan sida ugu fiican u khaarajiyaan Madaxda dalka ee ka siyaasad duwan kuwa hadda haya talada dalka?  Yaa diyaariyey kooxo isku qarxin raba Madaxweynihii hore Maxamed Cabdilaahi Farmaajo “Been-Hawaas”? Ha Wiqleyso!

Muqdisho 21\ka Agoosto 2024 Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa iska fogeeyay warbixin la sheegay in Qaramada Midoobay ay soo saartay oo dhinaca ammaanka ah oo lagu faafiyay baraha bulshada.

War qoraal oo kooban oo kaasoo baxay xafiiska UNSOM ayaa lagu caddeeyay in warkaasi uu yahay mid been abuur ah, waxayna shacabka ugu baaqday in aan la rumaysan.

Qoraalka been abuurka ah ayaa lagu sheegay, in Xafiiska Qaramada Midoobay uu soo saaray digniin amni oo deg deg ah oo ku wajahan dhammaan  shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ku sugan magaalada Muqdisho, isagoo uga digay khatarta qaraxyo baabuurta loo adeegsanayo.

Sida lagu sheegay digniinta, shan ka mid ah qaraxyada ayaa la aqoonsaday, kuwaas oo bartilmaameedsanaya dhowr goobood oo caan ah oo ku yaalla magaalada Muqdisho, oo ah kala ah, Elite Hotel, Km4, SYL Hotel, Dorbin Hotel, Dabka, Jazeera Hotel, Lido Beach, Makkah Al-Makaramah iyo  Isgoysyada NISA.

Dhawaan ayay ahayd markii digniin ay bixiyeen UN-ka ay sababtay in maalmo kaddib la weeraro hotel Beach View ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku geeriyoodeen dad kor u dhaafaya 40 qof oo shacab u badnaa.

Muqdisho 21\ka Agoosto 2024 Wasiirka Amniga Gudaha XFS Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta kulan la yeeshay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan.

Kulankan ayaa lagu falanqeeyay dhowr qodob oo muhiim ah oo la xiriira xaaladda amni ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray cadeynta digniinaha iyo wargelinta Qaramada Midoobay ee la sheego in ay ka soo saarto amniga dalka, gaar ahaan digniinaha qaraxyada ay sheegaan inay Muqdisho ka dhacayaan.

Isweydaarsiga macluumaadka ku saabsan khataraha ay sababi karaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, qaraxyada iyo halista xeebaha, kadib marxaladda kala guurka ee howlgalka ATMIS.

Kulanka isku-xirka amniga ee FGS-ATMIS-UN-AAIA iyo Warbixin ku saabsan barnaamijka wadajirka ah ee booliska.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa iska fogeeyey in uu soo saaro warbixinno iyo digniino la xiriira amniga Soomaaliya, kuwaas oo muwaadiniinta looga digayo khataro amni in ay ku soo wajahan yihiin goobo la cayimay.

Isweydaarsiga macluumaadka ku saabsan khataraha ay sababi karaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, qaraxyada iyo halista xeebaha, kadib marxaladda kala guurka ee howlgalka ATMIS.

Kulanka isku-xirka amniga ee FGS-ATMIS-UN-AAIA iyo Warbixin ku saabsan barnaamijka wadajirka ah ee booliska.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa iska fogeeyey in uu soo saaro warbixinno iyo digniino la xiriira amniga Soomaaliya, kuwaas oo muwaadiniinta looga digayo khataro amni in ay ku soo wajahan yihiin goobo la cayimay.

Wasiir Fartaag ayaa hoosta ka xariiqay in amniga dalka uu yahay mid xasaasi ah, loona baahan yahay in dhammaan dhinacyada ay si taxaddar leh uga shaqeeyaan.

Maraykanka 21\ka Agoosto 2024 Madaxweynihi ugu horreeyay oo madow ah ee soo mara Mareykanka Barack Obama iyo xaaskiisa Michelle Obama ayaa xalay khudbado ku ruxay hoolka uu ka socdo Shiweynaha Xisbiga Dimoqraadiga ee magaalada Chicago.

Lamaanaha reer Obama ayaa ku boorriyay dadka Mareykanka in ay taageeraan oo ay doortaan murashaxa xisbiga Dimoqraadiga Kamala Harris oo hadda ah madaxweyne ku xigeenka dalka Mareykanka, taas oo doorashada bisha November wajahi doonto madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump.

Obama ayaa markiiba weeraray madaxweynihi isaga uga danbeeyay Aqalka Cad, inkasta oo uusan magac dhabin isla markaana yiri:
“Uma baahnin afar sano oo kale oo qallafsanaan, qas iyo qalaanqal ah. Filimkaas horay ayaan u daawannay, waxanana ognahay in taxanuhu uu kasii darnaan doono intaasi,”

Obama ayaa intaasi raaciayay “Ameerica waxay diyaar u tahay cutub cusub. Ameerika waxay diyaar u tahay sheeko wanaagsan. Waxaan diyaar u nahay madaxweyne Kamala Harris.”

Wuxuu khudbaddiisa ku ammaanay madaxweynaha xilka kasii dagayo, Joe Biden oo sidoo kale ahaa madaxweyne ku xigeenkiisii 8-di sano ee Obama.

“Taariikhdu waxay ku xasuusan doontaa Joe Biden inuu ahaa madaxweyne difaacay dimoqraadiyadda waqti ay khatar weyn ku jirtay, waan ku faanayaa inaan ugu yeero madaxweynahayga, laakiin xitaa waxaan ku faanayaa inaan ugu yeero saaxiibkay,” Obama ayaa intaasi kaddib masraxa ku soo dhaweeyay xaaskiisa Michelle, oo iyaduna jeedisay khudbad fadhiga ka kicisay ergooyinka dimoqraadiga ee shirka ka qeybgalaya.

“America, rajadu waa ay soo laabaneysaa,” ayay Michelle Obama tiri, weedhaas oo ah weedh uu odaygeeda Obama ku dhex yiri khudbaddiisi u horreysay ee ololihiisii doorashada sannadki 2008.

Michelle Obama ayaa iyaduna khudbaddeeda ku weerartay Trump, kuna tilmaantay shakhsi doonayo shaqo ay suuragal tahay in ay noqoto shaqo qof madow.
“Aragtidiisa kooban ee dhaw ee uu dunida ka qabo ayaa ka dhigtay mid dareensan in uu khatar ugu jiro jiritaanka laba qof oo howl-karro ah, tacliintoodu ay aad u sarreyso guulo bandanna gaaray isla markaana madow ah.
Waxay kaloo intaasi sii raacisay: “Yaa u sheega in shaqada uu doonayo in uu helo hadda lago yaabo in ay tahay mid ka mid ah shaqooyinka dadka madow.

Trump ayaa mar uu ku jiray ololihiisa doorashadan ka dhawaajiyay, in dadka muhaajiriinta ah ee kasoo tallaabaya xadka, ay rabaan in ay shaqooyinka ka qaataan dadka madow ee Mareykanka.

Shirweynaha xisbiga Dimoqraadiga ee ka socda magaalada Chicago ayaa lagu wadaa in lasoo gaba gabeeyo Khamiista soo socota

Muqdisho 21\ka Agoosto 2024 Guddoomiyaha degmada Ceeldheer ee hobolka Galgaduud Cabdiraxmaan Axmed Cumar ayaa war culus ka soo saaray safarka uu Galmudug ku marayo musharax Liibaan Shuluq, isagoo ka digay qorshaha ui wato ninkaas.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadka reer Ceeldheer iyo deegaanada hoos taga ay ku jiraan xaalad halgan oo kooxaha Khawaarijta ay isaga xoreynayaan, kuwa iska xoreeyana ay isaga difaacayaan.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Barre ayaa sheegay in qorshaha siyaasiyiintaas uu yahay olole siyaasadeed oo khatar ku ah deegaanka, maadaama dadkaas ay dani ugu jirto inay iskaashadaan oo siyaasadda aysan ku milmin.

“Siyaasiyiintu ma’ahan in olale doorasho ay uga faa’ideestaan arrimaha Ciidanka iyo howlgalada socda, mana ahan wax aan ka yeeli doono, halkaan anaga ayaa ka talina, waxaana madaxweyne ka ah Axmed Cabdi Kaariye, juhdi badan iuo dhiig badan ayaa loo daadiyey Ceeldheer iyo deegaanada hoos yimaada,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Ceeldheer.

Siyaasiga Liibaan Axmed Xasan oo Liibaan Shuluq loo yaqaano ayaa hadda ku sugan degmada Xarardheere, wuxuuna qorsheynayaa inuu safar dhulka ah ku tago Ceeldheer, balse digniin ayaa durba bilaabatay.

Saraakiisha ciidamada deegaanka, guddoomiyaha degmada Ceeldheer iyo xubno kale oo taabacsan Qoor Qoor ayaa toos Liibaan Shuluq ugu sheegay in deegaanka uusan imaa karin.

“Siyaasiyiintu ma’ahan in olale doorasho ay uga faa’ideestaan arrimaha Ciidanka iyo howlgalada socda, mana ahan wax aan ka yeeli doono, halkaan anaga ayaa ka talina, waxaana madaxweyne ka ah Axmed Cabdi Kaariye, juhdi badan iuo dhiig badan ayaa loo daadiyey Ceeldheer iyo deegaanada hoos yimaada,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Ceeldheer.

Siyaasiga Liibaan Axmed Xasan oo Liibaan Shuluq loo yaqaano ayaa hadda ku sugan degmada Xarardheere, wuxuuna qorsheynayaa inuu safar dhulka ah ku tago Ceeldheer, balse digniin ayaa durba bilaabatay.

Saraakiisha ciidamada deegaanka, guddoomiyaha degmada Ceeldheer iyo xubno kale oo taabacsan Qoor Qoor ayaa toos Liibaan Shuluq ugu sheegay in deegaanka uusan imaa karin.

Qoor Qoor ayaa aad u dhibsaday dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee Liibaan Shuluq uu ka wado deegaanada Galmudug, isagoo shalay xilka ka qaaday wasiiru dowlihiisii Madaxtooyada Cumar Shido oo la sheegay in gacan yare uu u yahay Liibaan Shuluq iyo wasiir ku xigeenkii dhalinyarada iyo cayaaraha oo musharax Liibaan ku wehliya safarka uu Xarardheere ku joogo.

Muqdisho 21\ka Agoosto 2024– Faah-faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo goordhow ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan, loona adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhexeysa xaafadaha Tareedisho iyo Macaani oo ka wada tirsan degmada Garasbaaley ee gobolka Bamaadir.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in qaraxa lala beegsaday bar-koontarool oo ku taalla halkaasi, ayna dagan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa Nabad-sugidda Soomaaliya.

Khasaare kala duwan ayaa lasoo wariyay inuu ka dhashay qaraxa, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo xiray meesha ay wax ka dhaceen.

Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab ayaa durbo sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay degmada Garasbaaley ee gobolka Bamaadir.

Weerarkan qaraxa ah ayaa kusoo aadayo, ayada oo Muqdisho ay ka taagan tahay xaalad cabsi ah oo ku aadan weeraro laga digayo inay ka fuliyaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Kooxda reer galbeedka ee deggan Xalane iyo Qaramada Midoobay ayaa mar kale digniin culus kasoo saaray weeraro qaraxyo ah oo ka dhaca magaalada Muqdisho, waxayna sheegeen inay heleen digniin cusub oo ku aadan in caasimada ay ku jiraan gawaari ay ka buuxaan walxaha qarxa, isla markaana la qorsheyneynayo in lagu fuliyo weeraro cusub.

Digniinta ayaa waxaa lagu sheegay in meelaha la bartimaameedsan karo ay ku jiraan baraha koontarool ee laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada, hoteellada ku yaalla caasimada, baraha koontarool ee KM4, waddada Maka Al-mukarama, gaar ahaan Dabka  iyo xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis.

Si kastaba, Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyay wajaheyso xaalad adag oo dhanka amniga ah, kadib markii Al-Shabaab ay kordhisay weeraradeed, waxaana ugu dambeeyay weerarkii xeebta Liido oo lagu laayay dad badan oo shacab ah oo ku sugnaa halkaasi.

Muqdisho 21\ka Agoosto 2024 Ciidamada ammaanka ee dowladda, gaar ahaan kuwa NISA ayaa ka hortegay qarax labaad oo la doonayay in lasoo galiyo Muqdisho, kaas oo lagu soo raray gaari ay gacanta ku dhigeen ciidamada kahor inta uusan soo gelin caasimada.

Baabuurka oo ahaa nooca raaxada ayaa lagu qabtay duleedka deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaana lagu guuleystay in la qarxiyo, sida ay sheegeen saraakiisha amniga.

Jugta qaraxan ayaa si weyn looga maqlay Muqdisho iyo duleedkeeda, maadaama uu ahaa mid xoogan oo ay kooxda damacsaneyd inay ka fuliso gudaha caasimada.

Waxaa qaraxan ka horreeyay mid kale oo ismiidaamin ahaa oo saaka lagu weeraray xero ciidamo ka tirsan kuwa NISA ay ku lahaayeen degmada Garasbaaley ee gobolka Banaadir.

Qaraxaas oo isna gaari loo deegsaday ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhexeysa xaafadaha Tareedisho iyo Macaani oo ka wada tirsan degmada Garasbaaley ee gobolka Banaadir.

Khasaare kala duwan ayaa lasoo wariyay inuu ka dhashay qaraxa, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo weli wada baaritaano dheeraad ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa durbo sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay aagga degmada Garasbaaley ee gobolka Bamaadir, waxayna sheegtay inay khasaare culus ku gaarsiisay ciidamada dowladda.

Illaa iyo hadda ma jiro faahfaahin dheeraad ah oo ay saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya ka bixiyeen qaraxyadaan maanta ka dhacay duleedka Muqdisho.

WARARKA MAANTA 20\ka Agoosto 2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta:Maxuu kashifay Weriye Lugeeya? Maxuuse Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud “Dhuuso-Fooxiye” uga cabaaday wararka uu Weriye Macalinka Luheeye kashifo? Maxuuse Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud “Dhuusp-Fooxiye” u rabaa inuu Wasiirka Warfaafinta Mr. Mowliid Macaane si loo soo shirqoolo xarig ama dill? Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud “Dhuusp-Fooxiye” u diiday inuu dhiso Maxkammadda Dastuuriga ah> Maxaase loo beddelay dastuurka dalka? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee #Soomaaliya? Maxayse madaxdii hore ugu digeen Dowladda Soomaaliya> Meeqo dowladooda ayaa ka dhex jira #Soomaaliya? Yaa raba inuu burburiyo dowlad gobaleedyada dalka ka dhex jira Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud “Dhuusp-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso!

Cape Town South Afrika  20\ka Agoosto 2024 Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa ku jirta murugo kaddib markii saddex ganacsade Soomaali ah lagu dilay jimcihii weerar  ka dhacay deegaan ku yaalla duleedka Cape Town, South Africa. Lix muwaadin oo Soomaali ah oo kale ayaa si xun loogu dhaawacay toogashada, taas oo ka dhacday waddada Molokwane, oo ku taalla xaafadda Imizamo Yethu, abaare 7:30 fiidnimo

Sida ay booliisku sheegeen, weerarka ayaa lagu bartilmaameedsaday saddex dukaan oo ay maamulayeen ganacsato Soomaali ah. Koox hubaysan oo aan la aqoonsan ayaa isla markiiba rasaas ku furtay dukaamadaas, taasoo sababtay geerida saddex nin iyo dhaawacyo halis ah oo soo gaaray lix kale oo loola cararay isbitaal ku dhow si loogu daaweeyo.

Haweeney goob-joog u ahayd weerarka oo ku sugnayd dukaanka spaza ee KwaNdosi, ayaa sheegtay in ay ku sugnayd gudaha mid kamid ah dukaamada la weeraray si ay u iibsato rooti iyo caano. Iyadoo alaabtii dooranaysa ayay maqashay rasaasta. Markii ay dhinaca albaabka eegtay, waxay aragtay ninkii Soomaali ah oo ilaalinayay albaabka oo dhulka yaalla oo dhiig baxaya.

“Waxaan tuuray dhammaan waxyaabihii aan gacanta ku hayay oo u cararay dhanka albaabka, anigoo ka booday ninkii dhaawaca ahaa oo dhulka yaalay, oo baxsaday. Markii aan banaanka baxay, waxaan maqlay rasaas kale oo gudaha dukaanka ka dhacaysa, sidaas darteed waxaan u maleynayaa inay tooganayeen ninkii labaad oo ka dambeeyay koonteenarka.”

Afhayeenka booliiska gobolka Western Cape, Kornayl André Traut ayaa xaqiijiyay dhacdada, isagoo sheegay in baarayaashu ay wadaan baaritaanka sababta ka dambeysay dilalkan arxan darrada ah.

Bulshada Imizamo Yethu ayaa xaalad kacsanaan ah ka jirtaa kaddib weerarka. Guddoomiyaha Hout Bay Community Policing Forum (CPF) Loyiso Skoti ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo lagu xakameynayo rabshadaha iyada oo loo marayo wacyigelin.

Dilalkan ayaa qayb ka ah rabshadaha nacaybka shisheeyaha ee Koonfur Afrika, gaar ahaan kuwa lagu bartilmaameedsado ganacsatada Soomaaliyeed. Sanadkii 2008, mowjad rabshado shisheeye neceyb ah ayaa ku faafay Koonfur Afrika, taas oo sababtay geerida daraasiin muwaadiniin ajnabi ah.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee maamula ganacsiyada yar yar ee ku yaalla tuulooyinka dalka oo dhan ayaa si joogto ah u noqday dhibbanayaal rabshado, oo inta badan loo aaneynayo shisheeye neceyb iyo loolanka dhaqaale.

Muqdisho 20\ka Agoosto 2024  Qaar kamid ah Xubnaha labada aqal ee baarlamaanka ee kasoo jeeda Puntland, ayaa walaac xooggan ka muujiyay in dowladda Federaalka ay is-hortaag ku hayso mashaariicda horumarineed ee iyo deeqaha caalamiga ah ee loogu talagalay Puntland.

Warsaxaafadeed ay si adag u soo saareen Xildhibaanada Puntland ayaa waxay ku eedeeyeen Dowladda Federaalka inay ku dhaqmayso siyaasad ciqaab wadareed, taasi oo ka hor istaageysa adeegyada muhiimka ah iyo fursadaha horumarineed ee loo siman yahay.

Wakiilada ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo fasaxo dhamaan mashaariicda horumarineed iyo deeqaha caalamiga ah oo ay ku jiraan kuwa la xiriira kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, biyaha, korontada, iyo kalluumeysiga. Waxayna carrabka ku adkeeyeen in mashaariicdani ay yihiin kuwo muhiim u ah samaha iyo wanaaga shacabka Puntland isla markaana aan loo isticmaalin danaha siyaasadda la isku hayo. Wakiillada Puntland waxay ka codsadeen saaxiibada caalamka in la taageero in gargaarka la gaarsiiyo dadka u baahan iyadoon siyaasad lagu faragelin.

Muqdisho 20\ka Agoosto 2024 Qaar ka mid ah Darawalada Mooto Bajaajyada ee ka dhex shaqeysta magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay go’aankii kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Fedaraalka ee ku aadana dhimista qiimaha lagu qaato leysinka iyo ganaaxa. Wadayaasha Mooto Bajaajyada oo qaarkood warbaahinta la hadlay ayaa sheegeen in Wasaaradda Gaadiidka ay uga mahadcelinayan sida ay uga jawaabtay cabashadooda la xariirtay qiimaha lagu qaato leysinka oo ay ka mudaaharadeen laba maalmood oo isku xigtay.

“Wasaaradda Gaadiidka aad iyo aad ayey u mahadsan tahay, maadaama codsigii mootaaleyda kasoo jawaabtay lagana dhigay lacagta leysinka 106.5 Dollar, halka markii hore ay aheyd lacagta leysinka 300 Dollar, sido kale Ganaaxii ahaa 50 Dollar waxa laga dhigay 5 Dollar waa uga mahadcelineynaa wasaaradda gaadiidka” ayuu yiri mid ka mid ah Darwalada Mooto Bajaajyada Muqdisho. Dhalinyarada ayaa sidoo kale sheegeen iney ku qanacsan yihiin in ay ka dhex shaqeystaan gudaha dalkooda, hayeeshee hadii dowladdu ku cadaadiso shaqooyinka ay hayaan ay keeni karto in dalka ay isaga tahriibaan dhalinyaro badan oo hadda shaqooyinka ay ku dhex haystaan dalka ku faraxsan.

Ugu dambeyntii Mooto Bajaajta ayaa ah shaqada ugu balaaran oo ay si gaar ah ugu shaqeystaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool guud ahaan dalka, maadama dalka ay ka jirto xaalad shaqo la’aan ah, waxaana hadana dhalinta ku shaqeysata ay mararka qaar la kulmaan culeyso iyo cadaadis uga yimaada dhanka dowladda, taasoo ay waliba u sii dheer tahay mararka qaar dilal si bareer ah ay ugu geystaan askar ka tirsan ciidan dowladda.

Somaliland 20\ka Agoosto 2024 Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u horreysay gaaray degmada Oog ee Gobolka Sool, halkaas oo fadhiisin u ahayd ciidanka Somaliland tan iyo 25-kii bishii Agoosto ee 2023-kii dagaalkii u dambeeyey ee ka dhacay Laascaanood.

Muuse Biixi iyo Wefdi uu hoggaaminayey, oo maalmihii u dambeeyey safar ku marayey Gobollada Saaxil iyo Togdheer, ayaa xalay u hoyday degmada Caynaba oo 22 KM u jirta Oog oo fadhiisin u ah Ciidanka Somaliland.

Safarkan Madaxweyne Biixi, oo galay maalintii sagaalaad, waxaa lagu sheegay ujeeddadiisa inay la xiriirto “u diyaargarowga doorashooyinka iyo u kuur gelida xaaladda deegaannada Bariga” xilli ay Somaliland doorashooyinkeeda ka hadhsan tahay muddo ka yar saddex bilood.

Madaxweyne Muuse Biixi, sidoo kalena ah murashaxa Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye ee doorashada 13 November 2024-ka, ayaa dadweynihii uu kula kulmay gobollada iyo deegaannada uu marayey u sheegayey laba fariimood, oo uu sheegay in ay yihiin ujeeddada safarkiisa.

Muuse Biixi, ayaa dhamaan khudbadihii kala duwanaa ee uu ka jeedinayey Berbera, Sheekh, Burco, Oodweyne iyo Caynaba, waxa uu ku sheegay in labada qodob ee ujeeddada safarkoodu uu yahay “in difaaca Somaliland loo midoobo iyo in doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomaan”.

“Maanta laba koofiyadood ayaan sitaa mid waa ta difaaca qaranka iyo doorashada. Waa labadaa qodob, arrinta waxaanu uga soconaa Somaliland muwaadiniintooda iyo deegaannadoodu intii aan marnay waxay diyaar u yihiin Difaaca dalka.

Waxa aynu wax ku nahay marka aynu talada wadaagno ee aynu ku wada qanacsannahay in aynu sharcigeenna wada ilaalino. Wakhtigii madaxweynaha la ii doortay wuu dhamaaday, waa la kordhiyey, wuu dhamaaday, Madaama mar la kordhiyey, mar labaad sharcigu ma ogolanayo, caqliga saliimka ahina ma ogolaanayo, culaysyo aynu arkaynaa way ina haystaan, dhibaatooyin badan ayaa jira.

Markaa dantu waxay noqotay in aynu sharciga ilaalino, oo doorasho qabano, dalkana difaacno” ayuu yiri madaxweyne Biixi.

Muxuu Muuse Biixi ka yiri dagaalkii Laascaanood sannad kadib?

Waxaa uu markii u horreysay gaadhay degmada Oog oo ah fadhiisamada hore ee ay joogaan Ciidankiisa, tan iyo markii uu dhacay dagaalkii Goojacadde ee keenay in Ciidankaasi yimaadaan Oog, muddo sannad laga joogo.

Madaxweyne Muuse Biixi oo khudbad u jeedinayey Ciidanka Somaliland ee halkaas fadhiisamada ku leh, ayaa sheegay in ciidanku door muhiim ah uga jiraan “ilaalinta nabadgelyada iyo jiritaanka Somaliland”.

“Waxa marag ma doon ah in Ciidanka Qaranka Somaliland yahay bir adag oo afartankii sanno ee u dambeeyey difaacayey dalkooda iyo dadkooda” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Waxa kale oo uu sheegay in “aanu dagaalku dhamaan ilaa guusha la gaadho”, sida uu hadalka u dhigay “Dagaalku ma dhamaado ilaa guusha la gaadho, wax yar oo maalin ku gaadha iyo goob yar oo wax ka dhacaan maaha wax la yidhaahdo waxbaa dhacay. Wuxuu intaa ku daray inay dagaalka sii wadayaan “ilaa la gaadho oo la helo Somaliland oo dhan qaranimadeedii 1960-kii” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi oo la hadlayey Ciidankiisa.

Ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo, ayaa isku hor fadhiya inta u dhaxaysa Deegaannada Oog iyo Guumeys oo isu jira 25 KM, inkasta oo jiiddaha hore ee ay Ciidamadani kala joogaan ay isu jiraan 6 KM, marmar qaarkood halkaas ay ku dhex marto rasaas goos goos ahi.

Isha: BBC

Maraykanka  20\ka Agoosto 2024 Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa xalay ka jeediyay furitaanka Shirweynaha Xisbiga Dimoqraadiga ee ka socda magaalada Chicago, khudbad qiiro laheyd oo lagu tiranayo mid kamid ah kuwii ugu danbeeyay ee uu ku macsalaameynayo taageerayaasha dimoqraadiga.

Biden ayaa masraxa soo koray isaga oo ilmeynaya, kaddib marki ay makarafoonka ku soo dhaweysay gabadhiisa Ashley, soo dhaweyntaas oo u muuqatay mid ka ilmeysiisay madaxweynaha 81 jirka ah ee Mareykanka.

Kumannaanka qof ee ku sugan xarunta uu shirk aka socday ayaa u istaagay iyaga oo u sacbinaya kaddibna, ku dhawaaqay “Mahadsanid Joe”.

Biden oo dhinacyo badan ka hadlay ayaa sheegay in Dimoqraadiyiinta iyo taageerayaashooda ay dagaal ugu jiraan ruuxda Ameerica. Wuxuu difaacay dhaxalkiisa waxqabad ee uu uga tagayo Mareykanka, isaga oo tilmaamay in wax badan qaban doono bilaha u haray.

Mar uu ka hadlayay bannaan-baxyada lagu taageerayo Falastiin iyo Gaza ee Mareykanka, ayuu sheegay in kuwa bannaanbaxaya ay gar u leeyihiin, maadaama buu yiri dad badan lagu dilay Gaza.

Go’aanki uu uga haray doorashada isla markaana ku taageeray Kamala Harris ayuu ku tilmaamay, kii ugu wanaagsanaa ee uu sameeyay.

Wuxuu ugu baaqay shacabka Mareykanka in ay doortaan Harris iyo Walz oo ah murashaxiinta xisbiga Dimoqraadiga, isaga oo taasi ku sababeeyay in ay ka dhigantahay difaaca dimoqraadiyadda Mareykanka.

Waxyaabaha kale ee uu ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa, soo galootida, dhaqaalaha iyo arrimaha dibadda.

Puntland 20\ka Agoosto 2024 Maamulka Puntland ayaa markii ugu horreysay ka hadlay lacag $6 Milyan ah oo dowladda dhexe ay sheegtay inay siisay maamulka uu hoggaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Ceydiid ayaa beeniyay in lacagtaas ay ka qaateen dowladda Xasan Sheekh, xilli uu wasiir ku-xigeenka maaliyadda uu shaaciyay in lacagtaasi dalab uga yimid Deni ay si cadaan ah ugu shubern khasnadda Puntland.

Wasiirka ayaa sheegay in lacagaha ay Puntland ka heshay Bangiga Adduunka ay yihiin lacago ay cogsigeeda iyadu gudbisatay, si looga caawiyo kabka  miisaaniyadeeda, balse aysan aheyn mid ay bixiso dowladda dhexe ama ay kasoo shaqeysay.

“Dhaqaalahaasi xiriir lama laha mid ka yimid dowladda federaalka ama ugu yaraan ay kasoo shaqeysay. Waxaaba dowladda (Xasan Sheekh) u xaniban malaayiin dollar oo mashaariic looga fulin lahaa Puntland,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya inay ku fadhiso malaayiin dollar oo wax loogu qaban lahaa reer Puntland, isaggoo sheegay inay doonayso in mashaariicda Puntland laga maamulo Muqdisho, taasina ay tahay sababta labada dhinac isku hayaan.

Wasiir Caydiid ayaa ugu dambeyntiina wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in masuul laga soo doortay Puntland uu been abuur ka sheego deegaankiisa, taas oo uu ula jeedo wasiir ku-xigeenka maaliyadda Soomaaliya oo ah xildhibaan laga soo doortay maamulkaasi.

Wasiir ku-xigeenka maaliyadda Soomaaliya Cabdiqafaar Xaange ayaa dhawaan shaaciyay in madaxweyne Saciid Deni uu dalbaday in lacag dhan $6 Milyan oo caddaan ah si toos ah loogu shubo khasnada maamulka Puntland.

“Wasaaradda Maaliyadda DFS waxay Dawaldda Puntland u wareejisay (fiscal transfer) lacag dhan $6,348,826 ( lix Milyan sedex boqol afartan iyo sideed kun sideed boqol labaatan lix doolar) oo ah kab miisaaniyadeed,” ayuu wasiir Xaange ku yiri qoraal uu soo saaray.

Waxa uu intaas kusii daray wasiirka “Waxaa xusid in madaxweynaha Puntland codsaday in lacagahaas caddaanka (cash) toos loogu soo shubo.”

Puntland 20\ka Agoosto 2024 Waxaa maalintii labaad xiran inta badan xarumaha ganacsiga Boosaaso, iyada oo ganacsatada ay ka cabanayaan lacago xad dhaaf ah oo lagu soo rogay.

Ganacsatada ayaa ka cabanaya canshuur kordhin ay ku samaysay wasaaradda maaliyadda Puntland, xilli ay sheegeen inay xaalado adag ku shaqeeyaan.

Qaar kamid ah ganacsatada Boosaaso ayaa noo sheegay inay cabashadooda ku qotomto canshuur kordhinta wasaaradda maaliyadda, gaar ahaan macaash-macaashka ee laga qaadi jiray xarumahooda ganacsiga.

“Wasaaraddu waxay kordhin ku sameysay canshuurta macaash-macaashka oo bishii joogto nalooga qaadi jiray $19 haddana naloo sheegay in aan bixino lacag dhan $59 dollar, taas oo farqiga u dhaxeeya uu yahay $40 dollar,” ayuu yiri mid kamid ah ganacsatada Boosaaso.

Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda oo ganacsatada qaybtood la kulmeen ayaa loogu goodiyey in ay lacagta bixiyaan oo ay xarumaha furaan haday, taas sameyn waayan xabsiyada la dhigayo waana arin walaac xooggan ku abuurtay ganacsatada.

Tan ayaa culeyska kusii biirinaya ganacsatada Boosaaso oo ayagu ku shaqeeya xaalado adag, waxayna sidoo kale dhibane u yihiin kooxda DaacIsku soo wada duubo, Boosaaso oo ah magaalada ugu dhaqaalaha badan maamulka Puntland ayaa muddooyinkii dambe la daala dhacaysa khatarta amni ee kooxaha argagixisada, iyo weliba culeyska dhaqaale ee maamulka Deni.ish, oo ayaduna lacago baad ah ka qaada.

Muqdisho 20\ka Agoosto 2024  Waxaa magaalada Muqdisho ka qabsoomtay munaasabad heer sare ah oo lagu dallacsiinayo saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo sameeyay naf hurnimo.

Saraakiishan ayaa qeyb ka ah dhiiri-gelinta saraakiisha ciidanka ee geesiyaasha ah, iyada oo horey dowladda dallacsiin ugu sameysay saraakiil kala duwan, sida uu sheegay wasiirka gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ka hadlay munaasabadda.

Wasiir Jaamac ayaa sheegay in inta uu socday dagaalka Al-Shabaab dalka looga saarayo saraakiil badan la dallacsiiyay kuwa kalena la abaal marin doonaa dhowaan.

“Dagaalka Al-Shabaab dalka looga saarayo saraakiil badan ayaa lagu dallacsiiyay kuwa kale ayaa harsan oo la abaal marin doonaa,” ayuu yiri wasiirka difaaca Soomaaliya.

Saraakiisha, saraakiil xigeennada iyo hoggaannada kala duwan ee ciidanka ayaa lagu abaalmariyay, laguna dalacsiiyay kartida iyo dhabar adayga ay ka muujiyeen dagaalka Shabaab lagula jiro, iyadoo qorshuhuna yahay in kuwa harayna loo sameeyo dallacsiin.

Wasiirka difaaca ayaa sheegay in dallacaaddu ay gaartay dhammaan saraakiisha kale ee howl-gallada ka wado geyiga Soomaaliyeed, kuwaas oo ku sifoobay naf-hurnimo iyo in ay godadka ugu daataan cadowga curyaamisay horumarka dalka iyo dadka, sida uu sheegay.

Dhinaca kale, Taliyaha ciidanka xoogga dalka S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxuddiin oo isna ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in dallacsiintu ay muddo soo socotay ayna sii wadi doonaan abaalmarinta saraakiisha, isagoo xusay in lagu qiimeyn doono karti iyo waajib gudasho.

Sidoo kale, taliyihii hore ee ciidanka XDS S/Gaas Odowaa Yuusuf Raage oo goobta ka hadlay ayaa isna tilmaamay in saraakiisha dallacday ay guteen waajibaadka qaranka ee saaran, ayna taas ku muteysteen abaalmarinta.

Waxa uuna tilmaamay in qaranku uu ogyhay cid kasta oo gudata mas’uuliyaddii ay lahayd ee loo igmaday, ayna maamusi doonto.

WARARKA MAANTA 18\ka Agoosto 2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta:Maxuu kashifay Weriye Lugeeya? Maxuuse Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud “Dhuusp-Fooxiye” uga cabaaday wararka uu Weriye Macalinka Luheeye kashifo? Maxuuse Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud “Dhuusp-Fooxiye” u rabaa inuu Wasiirka Warfaafinta Mr. Mowliid Macaane si loo soo shirqoolo xarig ama dill? Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud “Dhuusp-Fooxiye” u diiday inuu dhiso Maxkammadda Dastuuriga ah> Maxaase loo beddelay dastuurka dalka? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee #Soomaaliya? Maxayse madaxdii hore ugu digeen Dowladda Soomaaliya> Meeqo dowladooda ayaa ka dhex jira #Soomaaliya? Yaa raba inuu burburiyo dowlad gobaleedyada dalka ka dhex jira Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud “Dhuusp-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso!

Muqdisho 18\ka Agoosto 2024 Madaxweynaha dowladda fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale si adag uga hadlay damaca iyo xadgudubka dowladda Itoobiya ee ku aadan helista qeyb ka mid ah biyaha iyo dhulka Soomaaliya iyo sababahii keenay in la isku fahmi waayo wadahadaladii natiijo la’aanta kusoo dhamaaday ee ku dhexmaray labada dal magaalada Ankara. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Itoobiya ay diidan tahay in Soomaaliya ay tahay wadan xor ah oo madax banaan, isagoona nasiib daro ku tilmaamay iney wali ka garaabi la’dahay damaceeda guracan ee ku xadgudbida madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya.

“Wadahadalkii Ankara waxaan uga soo kala tagnay in Itoobiya diiday inay aqoonsato Soomaaliya inay tahay dal xor ah oo deris la ah, ilaa taas ay ka ogolaatana badna kama hadli karno, ganacsina kama wada hadli doono, Waa nasiib darro in dowladda Itoobiya ay ka garaabi la’dahay qaladka ay naga gashay, ma dhaceyso, waana riyo aan rumoobi doonin in Itoobiya ay dhulkeena qaadato ee hadan badeena ku darsato” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu sidoo kale xusay madaxweynaha in Itoobiya ay wado daandaansi nooc kasto leh oo ay Soomaaliya uga raadineyso jawaabo qaldan, wuxuuna sheegay in Soomaaliya marnaba ogolaan doonin in lagu soo xadgudbo wax kasta oo dhaca.

“Uma aanaan jawaabin Itoobiya wax kasta oo ay sameysay, hadafkeena ayaan ku taaganahay Turkigu waa dadaaleen, waana u mahad celinaynaa, laakiin xaqeena kama tanaasuli doono, Soomaaliya waa xor, cidey doonto oo maslaxadeeda ay ka dhex aragto ayey la heshiinee, danaheena cidii ka hor imaata, anagana danahooda waan ka hor imaaneynaa, waxaan ka shaqeynaa maslaxadeena kaliya” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hadalkaan ayuu madaxweynaha Soomaaliya Xalay ka sheegay khudbad dhinacyo badan taabaneysay oo uu u jeediyay dadka Soomaaliyeed.

Koonfur Galbeed 18\ka Agoosto 2024 Millatariga Sudan iyo dad goob-joogayaal ah ayaa Sabtidi sheegay, in malleeshiyo ka tirsan xoogagga dagaalka kula jira ciidamada Sudan ay cagta mariyeen tuulo ku taalla bartamaha Sudan, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 85 qof.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sudan ayaa lagu sheegay, in rag hubeysan oo ka tirsan xoogagga RSF ay dhammaadki bishi Julay iyo todobaadki hore, ay weerar xoog leh ku ekeeyeen deegaanka Galgani oo ka tirsan gobolka Sennar ee bartamaha Sudan, halkaas oo ay ka geysteen gabood-fallo isugu jiray dil, kufsi, bili-laqo iyo qarbudaad.

Warbixinta ayaa sheegeysa, in kooxdani ay dab qabad siiyeen tuulada, kaddib marki ay dadka deegaanka iska caabiyeen isku day ay malleeKooxda RSF, dhowr jeer ayaa horay loogu eedeeyay in ay xasuusq, kufsi iyo danbiyo kale oo gurracan oo ka dhan ah bani’aadannimada oo ay kula kaceen rayidka Sudan, tan iyo marki uu billowday dagaalka sokeeye, bishi April ee sannadki hore.shiyadni ku rabeen in ay ku afduubtaan dumar iyo gabdho yar yar.

Muqdisho 18\ka Agoosto 2024 Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta howlgal culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka degmada Buurhakaba, kaas oo ay iska kaashadeen ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo kuwa dadka deegaanka.

Howlgalka lagu beegsaday fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Jameeco oo qiyaastii 25 KM u jira Buurhakaba, waxaana lagu gaarsiiyay khasaare culus, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale taliyaha ciidanka Daraawiishta degmada Buurhakaba Sandheere Xasan Aadan oo hoggaaminayay howlgalkan ayaa xusay in weli howlgalka uu sii socdo, isla markaana ay cagta mariyeen fariisimo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Baay.

Shalay ayaa sidaan oo kale ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ugaa sameeyay qaybo kamid ah gobolka Bakool ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas laga gaaray natiijo wax ku ool ah, waxaa si gaar ah u fuliyay guutada 9-aad qeybta 60-aad oo beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Howlgalladaas ayaa si gaar ah loogu furay waddada dheer ee xiriirisa Xudur iyo Qurac Joome oo ah wado muhiim ah oo mudo dheer u xirneyd kooxda oo go’doon gelisay deegaanada ku yaalla halkaasi.

Muqdisho 18\ka Agoosto 2024 Macaluumaad dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan gaar ah oo u dhexeeyay dowladda Soomaaliya iyo ganacsatada, kaas oo xalay ka dhacay Villa Soomaaliya, waxaana guddoomiyaya ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Kulankan oo ay goobjoog ahaayeen wasiirka maaliyadda Biixi Iimaan Cige iyo wakiilo ka socday ganacsatada gobolka Banaadir ayaa diiradda lagu saaray cabashada ka dhalatay canshuurta iibka ee ay haatan soo rogtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo Warbaahinta la hadlay ayaa faah-faahiyay kulanka, wuxuuna sheegay inay isfaham buuxa ku gaareen xukuumadda iyo ganacsatada. “Waxaan dhanka kale iyadana la’isku afgartay canshuurta gadista ee dowladdu mudeysay maanta in la qaado, iyadana is afgarad laga gaaray sidii ay dowladda u muddeysay ay ku bilaabanto” ayuu mar kale yiri wasiiri Biixi Iimaan Cige.

Sidoo kale wuxu sii raaciyay “Shirka guul ayuu kusoo dhammaaday labada qaddiyadood ee meesha taallay waa la’isla fahmay in cabashada ganacsatada la xalliyo oo meel la saaro iyo canshuurta inay sideeda u bilaabato”.

Muqdisho 18\ka Agoosto 2024Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta xaalad la xiriirta go’aanka kasoo baxay dowladda ee canshuurta Iibka laga dareemayo suuqyada waa wayn ee dalka sida Bakaaraha.

Ganacsatada ayaa weli ka cabanaya go’aanka kasoo baxay dowladda oo uu maanta bilowday dhaqan-galkiisa, kaas oo ah canshuurta Iibka oo dhan 5%.

Inkastoo suuqa uu furan yahay, haddana jawiga guud ee saaka ayaa ka duwan sidii hore, waxaana laga dareemayaa saameynta ka dhalatay go’aanka dowladda dhexe.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in qaar kamid ah goobaha ganacsiga ee suuqa ay xiran yihiin, sababo la xiriira cabashada ay canshuurta cusub ka qabaan ganacsatada.

Mid kamid ah ganacsatada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay dareemayaan culays ay soo saartay dowladda, kaas oo ka dhashay canshuurta cusub ee la saaray.

“Waxaan dareemeynaa inuu culayska nagu sii badanayo, waana arrin aan qaadi karin canshuurta cusub ee lasoo rogay” ayuu yiri mid kamid ganacsatada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Ninka Marchanti lacag ka jaro EVC-gana wuu ka jari karaa sida xaqiiqda ah marka aan ka hadalno”.

Dhinaca kale Madaxweynaha oo xalay la hadlay dadweynaha ayaa shaaciyey labo arrin oo caadi ka dhigeysa in loo hoggaansamo go’aanka dowladdu ay ku qaadeyso canshuurta iibka ee ay soo rogtay wasaaradda maaliyadda dalka , kuwaas oo kala ah:

1 – in canshuurtaan ay horay u bixi jireen ganacsatada Soomaaliyeed “Waxaa maalin kasta la idinka qaadin jiray iyadoo la idin handadayo, waxayna geli jirtay gacno aan aamin aheyn, hadda waxaan ka shaqeynay inaan ku qaadno gacan aamin ah oo System marsiino,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

2 – Nidaamka Marjentiga la yiraahdo ayaa canshuurtaan lagu qaadayaa, “Qof leesin heysta oo ganacsade ah kaliya ayaa isticmaala nidaamkaas, dadweynaha caadiga ah kama go’eyso lacagtaas, EVC lacag aad ku dirtay kama go’eyso,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

WARARKA MAANTA 17ka Agoosto 2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta:Maxuu kashifay Weriye Macalinka Lugeeya?  Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud “Dhuusp-Fooxiye” u diiday inuu dhiso Maxkammadda Dastuuriga ah> Maxaase loo beddelay dastuurka dalka? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee #Soomaaliya? Maxayse madaxdii hore ugu digeen Dowladda Soomaaliya> Meeqo dowladooda ayaa ka dhex jira #Soomaaliya? Yaa raba inuu burburiyo dowlad gobaleedyada dalka ka dhex jira Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud “Dhuusp-Fooxiye”?   Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud “Dhuusp-Fooxiye” u diiday in la baaro kiiskii Marxuumad Ikraam Taxaliil, Xildhibaan Aamino iyo dad farabadan oo la dilay> Maxuuse Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud “Dhuusp-Fooxiye” u diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho?Ha Wiqleyso!

Uganda 17ka Agoosto 2024 Taliyaha Ciidanka Difaaca Uganda General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay Madaxweyne Museveni ayaa Mareykanka ka dalbaday magdhow dhan $100bn oo ah khasaaraha ciidamada Uganda ka soo gaaray Soomaaliya.

Maxamed El-Amine Souef, oo ah wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa u sheegay VOA-da in howlgalka ATMIS ay diiwaan-geliyeen ku dhawaad 4,000 oo dhimasho ah oo u badan askarta kasoo jeeda  Burundi & ganda”

“Mareykanku waxaan ku leenahay ugu yaraan 100 bilyan oo doolar oo ah shaqadayada Soomaaliya,” ayuu yiri Muhoozi.

Mareykanka, oo ciidamadiisa kala baxay Soomaaliya ka dib dhacdadii madowga ahayd ee lagu dilay 1993-kii 18 Mareykan ah, ayaa ayuu sargaalkaan sheegay in uu ku tiirsanaa askarta Uganda si ay u gaaraan himilooyinka Washington ee Muqdisho.

Boqolaal ka tirsan askarta Uganda ayaa lagu dilay dagaallo dhiig badan ku daatay oo la doonayay in Al-Shabaab looga saaro caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Qoraallada uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ee Muhoozi ayaa kusoo beegmaya xilli uu xumaaday xiriirka u dhexeeya Uganda iyo Mareykanka.

Mareykanka ayaa dhawaan cunaqabateyn ku soo rogay mas’uuliyiin ka tirsan Uganda, kaddib markii la sameeyay sharciga ka hortagga waxa loo yaqaaano LGPT, wuxuuna Maraykanka diiday inuu maalgasho Uganda.

Washington waxay sidoo kale ka saartay Ugandha ka faa’iidaystayaasha Fursadaha Kobaca Afrika (AGOA) kaas oo siinaya waddamada Saxaraha ka hooseeya ee Afrika inay si cashuur la’aan ah u galaan suuqyada Maraykanka.

Maraykanka 17ka Agoosto 2024 Haddii mar kale loo doorto madaxweyne, Donald Trump wuxuu ballan qaaday inuu samayn doono masaafurin ballaaran dadka an ogolaansho sharci ah ku joogaan Mareykanka.

Ololahiisa ayaa bixiyey jawaabo kala duwan oo ku saabsan qorshaha saarida, ninka uu ku xigeenkiisa u magaacabay JD Vance, ayaa bixiyey hal tiro intii uu ku jiray waraysi uu todobaadkan siiyey warbaainta ABC.

“Aan ku bilowno hal milyan,” ayuu yiri, taasi waa meesha Kamala Harris ay ku guuldaraysatay, kadibna halkaas ayaan ka dhaqaaqi karnaa,” ayuu yiri Trump.

Laakiin xitaa isku soo baxyada ololaha Trump iyo madalada ay ka hadlaan waxaa ka muuqdo calaamo laga akhrin karo “musaafurin tiro badan ah.”

Khubarradu waxay sheegayaan inay jiraan caqabado sharaci iyo caqabado kale oo la taaban karo oo ay wajihi kraan masaafurinta dad badan.

Tirakoobkii ugu dambeeyay ee ka soo baxay Waaxda Amniga Gudaha iyo Cilmi baarista Pew, ayaa tilmaamaya in ay jiraan ku dhawaad 11 milyan oo muhaajiriin sharci darro ah oo hadda ku nool Mareykanka, tiradaas oo ku sugan dalkaas tan iyo 2005tii.

Kororka ba’an ee masaafurinta waxay u badan tahay inay keenayso balaarin lagu sameeyo nidaamka maxkamada socdaalka, taas oo ay hareeyaan dib u dhacyo.

Inta badan dadka soogalootiga ah ee horeyba u joogay dalka waxay galaan nidaamka masaafurinta iyagoo aan la kulmin wakiilada Socdaalka iyo Dhaqangelinta Kastamka, laakiin waxay soo maraan sharci fulinta maxalliga ah.

Bakool 17ka Agoosto 2024 Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ka sameeyay qaybo kamid ah gobolka Bakool ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Howlgalladan oo laga gaaray natiijo wax ku ool ah ayaa waxaa si gaar ah u fuliyay guutada 9-aad qeybta 60-aad, kuwaas oo beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Abaanduulaha guutada 9-aad qeybta 60-aad dhamme Cilmi Aadan Isaaq oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ujeedka howlgalladan uu ahaa furista wadada isku xirta magaalooyinka Xudur iyo Qurac Joome oo inta badan ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Dhamme Cilmi Aadan Isaaq ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada dowladda ee howlgalka sameeyay ay cagta mariyeen goobo badan oo ay ku jiraan jidgooyooyin ay kooxda ku lahayd halkaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan howlgalladooda, isla markaana ay Al-Shabaab ka xoreyn doonaan aagga degmada Xudur.

Waddada dheer ee xiriirisa Xudur iyo Qurac Joome ayaa ah wado muhiim ah oo mudo dheer u xirneyd kooxda oo go’doon gelisay deegaanada ku yaalla halkaasi.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Gobollada Baay iyo Bakool ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan dowladda dhexe iyo Koonfur Galbeed.

Puntland 17ka Agoosto 2024  Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa saaka dil toogasho ah ku fuliyay 10 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo horay loogu riday xukuno dil ah.

Ragga la toogtay ayaa ahaa shabakado isku xirn oo ka tirsanaa kooxaha Al-Shabaab, kuwaas oo ay horay gacanta ugu soo dhigeen ciidamada ammaanka Puntland.

“Maanta magaalada Gaalkacayo waxaa lagu fuliyey xukun dil ah 10 ka tirsan argagixisada Al-Shabaab, kuwaas oo horey maxkamadda sare ee ciidamada ay ku xukuntay dil, kadib markii lagu helay inay geysteen dilal magaalada Gaalkacayo” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay taliska ciidamada Booliska Puntland.

Toogashada oo dhacday abaare sideedii subaxnimo ee saaka ayaa ka dhacday waqooyiga magaalada  Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayada oo warbaahinta loo soo bandhigay sawirrada xubnaha la toogtay oo ku xiran tiirka toogashada.

Dhammaan ragga la toogtay ayaa lag helay Al-Shabaabnimo iyo inay weeraro ka gaysteen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Fulinta xukunkan toogashada ah ayaa waxaa si aad ah u baahiyay warbaahinta, ayada oo laga hadal hayo baraha bulshada, maadaama ay hal mar toogashada lagu fuliyay 10 nin oo ka wada tirsanaa kooxda Al-Shabaab, inkastoo horay sidaan oo kale Puntland toogasho wadareed ugu fulisay xubno ka tirsanaa kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Toogashadan  waxa ay kusoo aaday maalmo uun kadib markii xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ka baxsadeen xabsi ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo ay maamushu Puntland, waxaana ku jiray xubnaha baxsaday kuwo ku xukunaa toogasho.

Muqdisho 17ka Agoosto 2024 Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta mooshin culus oo deg-deg ah u gudbiyay guddoonka sare ee Golaha Shacabka, kaas oo ku saabsan cabashada ka dhalatay canshuurta cusub ee ay soo rogtay dowladda.

In ka badan 10 xildhibaan ayaa saxiixay mooshinkan oo ay ku dalbanayaan in ajendaha kulankooda maanta lagu soo daro arrinta canshuuraha iibka iyo cabashada taagan.

Xildhibaan Cabdirashiid Jilley oo kamid ah xildhibaannada gudbiyay mooshinka ayaa sharxay ujeedkooda iyo waxa ku saabsan yahay mooshinka.

“Waxaan soo jeedineynaa in ajendaha lagu daro in wax la’iska waydiiyo canshuuraha laga cowday iyo xal u raadinta cabashada ganacsatada iyo shacabka” ayuu yiri xildhibaan Cabdirashiid Jilley oo kamid ah xildhibaannada gudbiyay mooshinka.

Sidoo kale xildhibaan Garaad oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in mooshinkan ay ku garab istaagaan shacabka, maadaama ay ka cabanayaan canshuuraha cusub ee ay soo rogtay wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaliya.

“Arrintaan waa arrin dareen bulsho dareenka bulshana wa metalaad dhab ah waxaan filaayaa buuqa ka taagan gobolka Banaadir ee arrimaha ganacsiga quseeya inay tahay arrimo aad dhaliishooda u leh” ayuu isna yiri Xildhibaan Garaad oo kamid ah Golaha.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo Khamiistii dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dhowaaqday in maalinta Axadda ee taariikhdu ku beegan tahay 18/08/2024 ay bilaabaneyso inay dowladda si toos ah u jarato canshuurta iibka.

Canshuurtan oo dhan 5% ayey sheegtay dowladda inay kala baxeyso koontooyinka ganacsi, isla marka uu macluumka uu bixiyo adeega uu iibsanayo, ayada oo lacagta canshuurta iibka lagu dalacayo muwaadiniinta.

Si kastaba, arrimahan aya kusoo beegmaya xilli ay weli dowladda iyo ganacsatada isku fahmi la’yihiin canshuurtan jarashadeeda loo marayo koontooyinkooda ganacsi, taas oo dhinaca kalena culeys horleh ku ah bulshada caasimadda ee aan helin adeeg dowladeed.

WARARKA MAANTA 15ka Agoosto 2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud “Dhuusp-Fooxiye” u diiday in la baaro kiiskii Marxuumad Ikraam Taxaliil, Xildhibaan Aamino iyo dad farabadan oo la dilay> Maxuuse Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud “Dhuusp-Fooxiye” u diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho? Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud “Dhuusp-Fooxiye” u diiday inuu dhiso Maxkammadda Dastuuriga ah> Maxaase loo beddelay dastuurka dalka? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee #Soomaaliya? Maxayse madaxdii hore ugu digeen Dowladda Soomaaliya> Meeqo dowladooda ayaa ka dhex jira #Soomaaliya? Yaa raba inuu burburiyo dowlad gobaleedyada dalka ka dhex jira Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud “Dhuusp-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso!

Japan 15ka Agoosto 2024 Ra’iisul-wasaaraha Japan Fumio Kishida ayaa Arbacadii sheegay inuu xilka ka degi doono bisha soo socota, isaga oo eersaday fadeexooyin siyaasadeed iyo sare u kaca maciishada ee Japan oo cirka ku jirtay muddadi saddexda sano ee uu xilka hayay.

Ku dhawaaqista lama filaanka aheyd ee Kishida, ee ah in uusan u tartami doonin doorashada hoggaanka xisbigiisa ee bisha September, ayaa waddada u xaartay in Japan ay yeelan doonto ra’isulwasaare cusub.

Kishida ayaa loo doortay hogaamiyaha xisbiga talada haya ee Liberal Democratic Party kaddibna noqday ra’isul-wasaaraha dalka sannadki 2021. Qofki ku soo baxa xilka hogaamiyaha xisbiga ayaana noqon doona ra’iuslwasaaraha soo socda ee Japan

Wasiirki hore ee gaashaandhiga Shigeru Ishiba oo markiiba shaaciyay in uu diyaar u yahay hogaanka sare ee Japan, haddii uu helo kalsoonida xisbiga talada haya.

Waxaa sidoo kale xilka ra’isulwasaaraha isu soo taagay, wasiirka arrimaha dibadda Japan haweeneyda la yiraahdo Yoko Kamikawa, wasiirka arrimaha dijitalka Taro Kono, iyo wasiirki hore ee deegaanka Shinjiro Koizumi.

VOA

Muqdisho 15ka Agoosto 2024 Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa maanta magaalada Qaahira ee Caasimadda dalkaas ku kala saxiixday heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Amniga, kadib shir muhiim ah oo dhexmaray labada madaxweyne iyo wasiiro ka kala socday labada dowladood. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhigiisa Masar Cabdifatax El- sisi ayaa si wadajir ah u xaqiijiyay in heshiiska iskaashiga difaaca iyo amniga labada dal uu yahay talaabo muhiim ah oo kor loogu qaadayo amniga iyo xasilloonida gobolka.

“Heshiiskan cusub ee difaaca ayaa waxa uu dhabbaha u xaari doonaa iskaashi dhow oo ay yeelan doona wasaaradaha difaaca iyo amniga labada dal, waxaana lagu balamay in la fuliyo qorsheyaal wadajir ah oo lagu xoojinayo awoodda difaaca iyo amniga ee Soomaaliya” ataa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya. Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay dowladda Masar sida cad oo ay uga hortimid damaca Itoobiya ay ku dooneyso qeyb ka mid ah biyaha iyo dhulka Soomaaliya.

“Xiriirka Soomaaliya iyo Masar waa mid adag oo iskaashi walaaltinimo, waxaana ku amaanayaa Dowladda Masar mowqifka cad ee ay ka istaagtay fara-galinta Itoobiya ee madax-bannaanida dhuleed iyo midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyntii heshiiskaan ay maanta kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Masar ayaa kusoo aadaya, iyadoo shalay lays ku mari waayay wadahadaladii magaalada Ankara uga socday Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xariiray heshiiskii ee Itoobiya la gashay Somaliland bilowgii sanadkaan.

Jabuuti 15ka Agoosto 2024 Wasiirka arrimaha dibadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadlay arrimo ku aadan xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya iyo wada-hadallada hadda u bilowday.

Maxamuud Cali Yuusuf ayaa shaaciyay xog cusub oo ku aadan wada-hadallada u socda Addis Ababa iyo Muqdisho, wuxuuna sheegay in dowladdiisa ay horay isugu deyday inay dhex-dhexaadiso labada dhinac, balse aysan dhicin isaga oo sababta ka gaabsaday.

Sidoo kale wuxuu rajo xumo ka muujiyay wada-hadallada Ankara ee markii labaad fashilka kusoo dhammaaday, wuxuuna xusay in aanu Turkuga ku guuleysan doonin xalinta xiisadda ka dhalatay heshiiska badda, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti ayaa carabka ku adkeeyay in xalka uu ku imaan karo in mid kamid ah labada dowladood ee is haya ay ka tanaasusho mowqifkeeda.

“Waxaan isku-daynay in aan wadahadal u qabno Soomaaliya iyo Itoobiya balse ma dhicin mana sheegayo sababta. Turkiga isagana kuma guuleysan doono. Xalka waxa uu ku jiraa in labada dal midkood uu ka tanaasulo mowqifkiisa” ayuu yiri wasiirku.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay lagu kala tegay shirkii Ankara ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo soo idlaaday natiijo la’aan, waxaase lagu ballamay in mar kale lagu isugu yimaado wareeg 3-aad oo dhacaya bisha soo socota.Sida ay ogaatay Caasimada Online, dhinacyada ayaa isku mari waayey qodobo ay kamid yihiin soo afjarida is-afgaradkii Somaliland iyo waxa xigga, iyada oo dowladda federaalka Soomaaliya ay ku adkeysatay mowqifkeeda ku aadan damaca Itoobiya ee badda.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo hoggaaminayay wafdiga dowladda federaalka ee wada-hadalladaasi ayaa sheegay in Soomaaliya ay caddeysay mowqifkeeda ku aadan dhowrista qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu Wasiirku ku tilmaamay lama taabtaan.

Muqdisho 15ka Agoosto 2024 Madaxweynaha dowlad-gboleedka HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa maanta qaaday tallaabo muhiim ah, isaggoo guddoomiyey shir loogu gurmanayo ganacsatadii ku hanti beelay dabkii ka kacay suuqa magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaas.

Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxweyne ku-xigeenka HirShabelle Yuusuf Dabageed, guddoomiyaha hay’adda SODMA Maxamuud Macalin, waxaana Warbixino looga dhageystay wasiirada arrimaha guddaha, ganacsiga, gargaarka iyo sidoo kale guddiga ganacsatada dhibka gaaray.

Guddoomiyaha hay’adda maareynta masiibooyinka qaranka ee (SODMA) Maxamuud Macalin ayaa kulankaan ka sheegay sababta ay u yimaadeen magalaada Jowhar inay tahay uruurinta xogta musiibadii dhacday iyo qaabkii loo sameyn lahaa gurmad loo dhanyahay.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo goobta ka hadlay ayaa sheegay dadka ku ganacsanayay suuqa hanti-wadaag ay soo gaartay dhibaato weyn oo ay ku ceytoobeen dabkii ka kacay suuqa.

“Dadkii ku hanti beelay suuqa Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar, hadda waa ceyr aan waxba heysan, anaga iyo hay’adda SODMA waxaan u istaagnay in si deg-deg ah loogu gurmado dadkaas, sidoo kale waxaana dalbaneynaa in la garab istaago dadka masaakiinta ah ee ku hanti beelay musiibada,” ayuu yiri madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe.

Dhinaca kale, guddoomiyaha SODMA iyo wafdiga uu horkacayo ayaa booqday suuqa Hanti-wadaag, wuxuuna soo indho-indheeyay baaxada dabkii baabi’iyay hantida ganacsatada suuqaasi, oo uu saameyn ballaaran kasoo gaaray.

Guddoomiyaha ayaa sidoo klae suuqa kula kulmay qaar kamid ah ganacsatadii ku hantibeelay dabkaas, oo la sheegay inuu sababay in ay baa ba’aan 500 oo goobo ganacsi ah.

Muqdisho 15ka Agoosto 2024 Madaxweynaha hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal ka soo saaray dhibaatada heysata dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaaj-ta ee ka howlgasha Muqdisho.

Farmaajo ayaa sheegay in dhalinyaradaas oo banaanbaxyo ka dhigeysay Muqdisho labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay mudan yihiin in la garab istaago.

“Dhallinyarada Soomaaliyeed ee aaminay dalkooda, kuna shaqeynaya duruufaha adag, gaar ahaan xoogsatada Bajaajka, waxay mudan yihiin garab istaag iyo in laga fududeeyo culaysyada iyo canshuuraha ay ka cabanayaan,” ayuu yiri Farmaajo

Sidoo kale, Madaxweyne hore Farmaajo wuxuu sheegay in ciidamada dowladda ay rasaas u adeegsadeen dhalinyaradaas, isla markaana ay jiraan qaar dhaawacyo loo geystay, isagoo taasi ku tilmaamay wax laga xumaado oo niyad jebinaya dhalinyaradaan dalkooda ka shaqeysta.

“Dhibaatada iyo dhaawacyada maanta loo gaystay xilli ay Muqdisho si nabad ah ugu soo bandhigayeen cabashadooda waa mid aan la aqbali karin oo niyad jab ku noqonaysa hammiga dhallinyarada Soomaaliyeed ee u istaagay dib u dhiska dalkooda,” ayuu Farmaajo qoraalkiisa ku yiri.

Madaxweynihii hore ee dalka, wuxuu dalbaday in loo gurmado dhalinyarada lagu dhaawacay rasaastii ciidamada qaranka, sidoo kale dowladda ayuu ugu baaqay inay mudnaan gaar ah siiso cabashada ka soo yeertay dhalinyarada.

“Alle waxaan ka baryayaa in uu u booga dhayo dhallinyaradeenna ku dhaawacmay rasaasta maanta lagu wajahay cabashadooda, waxaanna ugu baaqayaa Hay’adaha Dowladda in ay mudnaan siiyaan daryeelka caafimaad ee dhallinyaradan oo nolol-maalmeedkoodu ku tiirsanaa xoogsigooda maalin laha ah,” ayuu yiri.

Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo intii uu xukunka joogay dhegaha ka fureystay dadka reer Muqdisho oo duruufo adag soo maray ayaa hadda hadalkiisa loo arkaa ‘kaar ku xogasho.’

Muqdisho 15ka Agoosto 2024Horjoogihii kooxda Al-Shabaab ugu magacownaa waxa ay ugu yeeraan Xisbada ama Jamhadaha ayaa xalay geeriyooday, sida ilo wareedyo xog-ogaal ah ay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Ninkaas oo ahaa caan, kana soo jeeday degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud waxaa lagu magacaabi jiray Xasan Caweer Cali Mataan.

Horjooge Xasan Caweer ayaa u geeriyooday xanuun muddo ka hayey wadnaha, waxayna saameyntaan ka soo gaartay dhaawac ay horay ugu geysteen ciidanka Qaranka.

Xasan Caweer Cali Mataan ayaa Al-Shabaab ka tirsanaa dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay, wuxuuna caan ka ahaa gobollada dhexe, gaar ahaan Mudug iyo Galgaduud oo uu kasoo jeedo.

Wuxuu ka dhashay beesha Saleebaan ee Habargidir, qof kasta oo reer Cadaado ama deegaanada kale ee Galmudug ku nool waa yaqaan ninkaan, wuxuuna ahaa nin dadka uu yaqaan soo waca oo u hanjaba.

Xoolo baad ah ayuu ka qaada jiray dadka ka cabsada hanjabaadiisa, mararka qaarka wuxuu dadka u dhigi jiray dabino ay Shabaab ku dilayaan, maadaama uu kooxda ka ahaa horjooge weyn, waa ninkii Xarardheere geeyey Odayaashii Saleebaan ee markii dambe dowladda u soo gacan galay, kuwaas oo la maxkamadeeyey xabsina lagu xukumay.

Horjooge Xasan Caweer oo muddooyinkaan xanuunsanaa sida xogtaani ay sheegeyso ayaa mar si dhuumaaleysi ah lagu geeyey Hargeysa, halkaas oo lagu soo daweeyey, kadibna waxaa la geeyey degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Ugu dambeyntii xalay ayuu horjooge Xasan Caweer u geeriyooday xanuunkii ka hayey wadnaha ee ilaa Hargeysa loo geeyey, waxaana maanta aad u farxay qof kasta oo yaqiinay ninkaas oo ahaa mid dhib badan oo beegsada qof kasta oo uu yaqaano.

Muqdisho 15ka Agoosto 2024 Wasaaradda Gaadiidka Soomaaliya oo ka soo jawaabtay cabashada dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaaj-ta ee ka howlgasha magaalada Muqdisho ayaa dafirtay eedeymaha ay soo jeediyeen.

Bajaaj-leyda Muqdisho ayaa labo maalmood ku jiray banaanbaxyo ay uga cabanayaan lacago xad dhaaf ah oo ay sheegeen in lagu soo rogay, kuwaas oo lagu sameynayo Leesinka ama ogolaanshaha dowladda ee gaadiid wadista, kaas oo ay sheegeen in qiimihiisu gaaray $300.

Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee XFS Bashiir Macalin Cali oo la hadlay Dalsan ayaa waxaba kama jiraan ku tilmaamay lacagaha ay sheegeen in lagu soo kordhiyey dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaaj-ta.

“Dhalinyaro Leesinku waa $41.5, waxaana qaada wasaaradda Maaliyadda ee wasaaradda gaadiidka ma qaado, ma jirto meel la inku weydii karo lacag intaas ka badan, qofkii dhiibana waa dambiile,” ayuu yiri Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka XFS.

Agaasimaha ayaa dhalinyarada Bajaaj-ta ku shaqeysata ka balan qaaday in ciddii lacag intaas ka badan weydiisa ay talaabo ka qaadi doonto dowladdu, hadalkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo dhalinyaradu ay sheegeen in Leesinka gaadiidka lagu wado uu qiimihiisu gaaray $300, balse Agaasimaha Wasaaradda Gaadiidka ayaa beeniyey taas.

“Waxaan ognahay in bil kasta qof kasta oo Bajaaj wata bishii laga qaado 15 doollar, waxaana qaada maamulka gobolka Banaadir ee wax dowladda federaalka ama wasaaradda gaadiidka quseeya maaha, sidoo kale ma ogin meel lacago ganaax ah looga qaado Bajaaj-leyda, sharcina maaha hadey jirto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka wuxuu sheegay in habayaraatee wax lacag ah aysan ka qaadin gaadiidleyda dhamaan, sidoo kalena aysan jirin cid u soo dacwootay wasaaradda.

“Gadiidleyda oo dhalinyarada mooto Bajaaj-ta ay ugu horeeyaan waxaan ka codsaneynaa inay nala wadaagaan cidda ka dalbatay inay bixiyaan $300 cadeeya meesha aad hadalkaas ka keenteen,” ayuu yiri Agaasime Bashiir Macalin.

WARARKA MAANTA 14ka Agoosto 2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud “Dhuusp-Fooxiye” ka qarinayaa shacabka Soomaaliyeed? Meeqo lacag ah ayaa lagu laaluushay Madaxweynihii hore Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo “Been-Hawaas” oo 4 dekkad u saxiixay #Ethiopia? Yaa badda u saxiibay inay #Kenya xoog ku qaadato dhul baddeed Soomaaliyeed Madaxweyne hore Mudane Shiikh Shariif “Dhaban-Munaafaq”? Maxay ka wada siman yihiin 3dan madaxweyne ee #Soomaaliya madaxda u soo noqday waa khaa’inul waddan beenaalayaal ah? Maxayse labada aqal u wadashaqayn karin? Maxayse Dowladda Soomaaliya u cayrin weysay Safiirka Ethiopia u jooga #Soomaaliya haddii ay #Ethiopia caddaystay inay xoog ku qaadan doonto badda Soomaaliya ayadoo ka soo baqday Eritrea?  Ha Wiqleyso!

Muqdisho 14ka Agoosto 2024 Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Mudane Saalax Xasan Cumar (Saalax Carab) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay dad qaba xanuuno halis ah oo ay soo xirtay Dowladda Hoose ee Xamar, kuwaas oo ka dhex shaqeynayay bulshada Soomaaliyeed.

Saalax Carab ayaa sheegay in waaxda Fayo-dhowrka Dowladda Hoose ay ku guuleysatay inay soo qabteen dad kor u dhaafaya 300 qof oo laga helay cudurada faafa ee halist ah, sida HIV iyo sidoo kale Hepatitis B iyo C, waxayna isugu jiraan dadkaas Soomaali iyo Ajaaniib.

“Hay’adaha u xil-saarnaa hubinta iyo fayo-dhowrka ee dowladda Hoose Xamar waxay ku guuleysteen inay qabtaan dad qaba cudurada faafa HIV iyo Hepatitis B iyo C, kuwaas oo qaarkood si ogaal ah uga shaqeynayay goobaha ay isugu yimaadaan bulshada, qaarkoodna iyaga oo aan ogeyn u adeegaya bulshada, taasi oo halis ku ah bad-qabka muwaadinka Soomaaliyeed” ayuu yiri afhayeenka maamulka gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn wuxuu digniin culus u diray ganacsatada, wuxuuna sheegay in laga rabo inay qaataan shahaadada caafimaadka, sidoo kale shaqaalaha ayaa la faray inay iyaguna qaataan card-ka caafimaadka ee Dowladda Hoose ee Xamar.

Qaahira 14ka Agoosto 2024 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi l uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Safarkan ayaa ku salaysan martiqaad rasmi ah oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka helay walaalkiis Cabdulfataax Al-siisi si ay uga wada-hadlaan xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee Labada dal, iskaashiga difaaca iyo amniga Soomaaliya iyo Masar, danaha wadajirka ah iyo xaaladda gobolka.

Inta lagu guda jiro booqashadan, wafdiga dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo muhiim ah la yeelan doona Madaxweynaha dalka Masar, Mudane Cabdulfataax Al-Siisi iyo mas’uuliyiin kale oo sar-sare oo ka tirsan dawladda Masar.

Booqashadan ayaa muujinaysa muhiimadda uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud siinayo horumarinta xiriirka Soomaaliya iyo Masar, iyo in labada dal ay guda galaan fulinta iskaashiga dhanka amniga iyo difaaca, si loo wajaho khataraha argagixisada iyo duruufaha gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safarkaan uga yimid dalka Rwanda oo uu kaga qeyb galay caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Paul Kagame oo mar kale dib loo doortay.

Madaxweyne Xasan iyo dhiggiisa Paul Kagame ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah iyaga adkeeyay doorka muhiimka ah ee iskaashiga gobolka uu ka qaadan karo wax ka qabashada caqabadaha iyo la dagaallanka argagixisada.

Madaxweyne Paul Kagame ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyey  horumarka ay ka gaartay dhinacyada, amniga, diblomaasiyadda iyo dhaqaalaha, waxa uuna ballan qaaday in Rwanda ay taageeri doonto dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Safarka kale ee Xasan Sheekh uu ku tegay Qaahira ayaa ku soo aadaya iyadoo Ankara ay ka socdeen wadahadallo in la is hor fariisto ay adkaatay oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, xiriirka Soomaaliya iyo Masar ayey khatar u aragtaa Itoobiya, maadaama danaha ay u heshiinayaa labadaan dal ay ugu horeyso cadaawadda Itoobiya.

Ankara 14ka Agoosto 2024 Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo hogaaminaya ergada Soomaaliya ku meteleysay wadahadallada Itoobiya ee ka bilowday Turkiga ayaa galabta jeediyey Khudbad uu kaga hadlay qodobadii ay ka wadahadleen Soomaaliya iyo Itoobiya, Septemer ku balansan kulan kale oo 3-aad.

Hoos ka aqriso khudbadii Wasiir Fiqi oo Tarjuman:

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u soo jeedinaysaa mahadcelin ballaaran Jamhuuriyadda Turkiga oo martigelisay wareegga labaad ee wadahadalada Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhacay Ankara.

Waxaan ku ammaaneynaa taageerada joogtada ah iyo sida daacadda ah ee Turkiga uga go’an tahay in la dhiirrigeliyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Waxaan u mahadcelineynaa Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, iyo dadaallada dawladdiisa ee ay ku go’aansadeen in ay horumariyaan xasilloonida gobolka.

Wadahadalkan wareeggiisa labaad waxaa laga gaaray horumar.

Soomaaliya waxay si adag uga go’an tahay ilaalinta madax bannaanideeda, midnimadeeda iyo wadajirka dhulkeeda.

Madaama aan isku diyaarinayno wareegga saddexaad ee wadahadalada, waxaan ku rajo weynahay in dadaalkeenna uu ku dhammaan doono go’aan kama dambays ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli waa ka go’an tahay in la gaaro natiijo nabadeed oo faa’iido wadaag ah, iyadoo la raacayo sharciga caalamiga ah iyo Heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badda, si loo ilaaliyo karaamada iyo kheyraadka shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan u mahadcelinaynaa Mudane Hakan Fidan, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Turkiga, doorka muhiimka ah ee uu ku lahaa dhexdhexaadinta wadahadaladan, waxaanan diyaar u nahay inaan si dhow u wada shaqeyno, si xal loogu helo xiisadaha gobolka.

Aad ayaad u mahadsan tihiin.

Maraykanka  14ka Agoosto 2024 Donald Trump ayaa ka hadlay soo galootiga sharci darrada ah iyo isku dayga dil ee isaga ka dhanka ah mar uu wada hadal shucuur ka muuqatay uu kula yeeshay Barta X Elon Musk.

Mr Trump ayaa mar kale sheegay in uu qaadi doono masaafurkii ugu ballaarnaa ee taariikhda Mareykanka haddii uu madaxweyne noqdo bisha November.

Madaxwaynihii hore ee Mareykanka Trump ayaa u sheegay Musk in markii uu madaxweynaha ahaa uu dhisay boqolaal mayl oo darbi ah si uu u ilaaliyo xudduudda koonfureed.

Trump ayaa u muuqday inuu u weecday arrinta socdaalka, mid ka mid ah arrimihiisii ​​ololaha ee ugu muhiimsanaa ee ka caawiyay in uu ku guuleysto doorashadii 2016-kii.

Musharaxa xisbiga Jamhuuriga ayaa ku andacoonaya isaga oo aan soo bandhigin cadaymo muujinaya in soogalootiga ay ku imaanayaan “si waali ah” ayna ka kala imaanayaan dhammaan caalamka dafihiisa.

“Waxaa jira malaayiin qof oo imanaya bil gudaheed, waxay iska dhigaysaa sidii inay wax samaynayso,” ayuu yiri, isaga oo ka hadlaya Kamala Harris. Waxa uu ku andacoonayaa in ay jiraan 20 milyan oo muhaajiriin sharci-darro ah oo ku sugan Mareykanka.

Waxaa uu Trump sheegay in dadka si sharci darada ah ku soo galaya Mareykanka ay qarakood yihiin dad dambiilayal ah sida uu hadalka ud higay.

Suurtagal maaha in si sax ah loo ogaado tirada soogalootiga sharci darrada uga soo galay Maraykanka xadka koonfureed intii lagu jiray wakhtigii Madaxweyne Biden ee xafiiska, laakiin xogta rasmiga ah ayaa muujinaysa tiro ka yar intii uu Trump sheegay.

Waxaa jiray 10.5 milyan oo muhaajiriin sharci darro ah oo ay la kulmeen saraakiisha fulinta ee Maraykanka, iyada oo in ka badan 8 milyan oo ka mid ah ay ka gudbeen xadka koonfureed.

Waxaa xusid mudan in ay dhici karto in lala kulmo isla qof isku dayaya in uu ka gudbo xadka dhowr jeer.

Tani waa koror weyn oo guud ahaan afartii sano ee Donald Trump, sidoo kale waa tiradii ugu sareysay ee laga diiwaan geliyo maamul kasta oo Mareykan ah.

Tan iyo markii Biden uu soo saaray xeerar horraantii bishii June ee xaddidayay xuquuqda dadka ka soo gudbaya xuduudda si ay magangelyo u codsadaan, tirada dadka lagu soo qabtay iyaga oo si sharci darro ah uga soo gudbaya xadka koonfureed aad ayay hoos ugu dhacday.

Ciidamada Ilaalada Xuduudaha ee Maraykanka ayaa ku dhawaad ​​57,000 oo soo galooti ah ka qabtay xadka bishii july – taasi oo ahaa tiradii ugu hooseeyay ee la diiwaan geliyo tan iyo Sebtembar 2020.

Tirada ayaa aad hoos ugu dhacday bishii December, markaasoo ku dhawaad ​​250,000 oo muhaajiriin ah lagu qabtay iyaga oo ka gudbaya xadka.

Trump ayaa hadalka ka sheegay Wareysiga oo laga sii daayay barta X, waxaana marti galiyay milkiilaha X Elon Musk.

Maalqabeenka ugu taajirsan adduunka ayaa taageeray Trump inuu noqdo madaxweyne wuxuuna ka qeyb qaatay dadaallo dhaqaale loogu uruurinayey xisbiga Jamhuuriga.

Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo Kamala Harris, oo Trump kula loolamaysa Aqalka Cad, ay mowjad xamaasad leh ka waday warbaahinta Mareykanka.

Tan iyo markii Joe Biden uu ka degay xilka musharraxa Dimuqraadiga, Harris waxay qabatay isu soo baxyo waaweyn oo xiriir ah oo waxaana barbar taagnaa Tim Walz oo ay us oo xulatay xigeen in uu u noqdo.

Iyadoo wax ka yar saddex bilood ay ka harsan tahay doorashada 5 November, labada musharax ayaa waxay isku dayayaan inay qeexaan ololahooda doorashada.

Warbixintan waxaa qeybo kamid ah laga oo xigtay BBC.

WARARKA MAANTA 13ka Agoosto 2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud “Dhuusp-Fooxiye” u amray in Xafiiska Laanta Socdaalka laga furo Lascaanood #KhaatumoState? Maxuu Raysal wasaare hore khaa’inul waddan Mudane Cumar Cabdirashiid Cali “Xal-weyste” ka yiri heshiiska badda ee #Somaliland Iyo #Ethiopia balse maxuuse #Kenya ugu saxiixay badda #Soomaaliya?  Maxaase ka soo baxay wadahadalkii #Soomaaliya Iyo #Ethiopia #Ankara? Maxuuse Madaxweyne Mudane Xassan u diiday inuu sameeyo #Maqaamka #Muqdisho Iyo Maxkammadda Dastuuriga ah? Maxuu kashifay Afhayeenka Gobalka Banaadir? Yaa runta ka qarin kara Ummadda Soomaaliyeed?  Ha Wiqleyso!

KhaatumoState 13ka Agoosto 2024 Waxaa maanta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool laga daahfuray Xafiiskii 8-aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo ku yeelanayso magaaladda Laascaanood. Xaruntaan ayaa loogu adeegi doona dadka ku nool deegaanada SSC Khaatumo oo ay dowlada Fedaraalka u aqoonsatay maamul ku meel gaar ah.

Munaasabada lagu daahfuraayay xaruntaan waxaa ka qeyb galay oo xariga ka jaray hoggaamiyaha maamulka SSC Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw Cali, isagoona ka mahadceliyay xarunta Xafiiskaan maanta laga hirgaliyay Laascaanood.

Hoggaamiye Cabduqaadir Firdhiye ayaa sheegay in dadka reer Khaatumo ay si weyn ugu baahi qabeen iney helaan adeegga Baasaboor bixinta oo markii hore ay u doonan jireen meelo ka baxsan deegaanada SSC Khaatumo.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay iney xooga saarayso sidii Muwaadiniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay ku sugan yihiin loogu geyn lahaa adeegyadda kala duwan ay bixiso hay’adda si loogu baajiyo qarashka iyo safarka dheer ee uga bixi lahaa helitaanka adeega baasaboorka.

UK 13ka Agoosto 2024  Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa bogaadiyay dadaalka Turkiga ee soo afjarida wuxuu ugu yeeray gardarada Itoobiya ee ku wajahan midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Raysal wasaare hore Cumar Cabdirashiid ayaa soo jeediyay in heshiis kasta oo lala galo Itoobiya uusan ku jirin ama soo jeedin in Itoobiya ay saldhig ciidan ka sameysato ama  xuquuq ka hesho dhul badeedka Soomaaliya.

Cumar Cabdirashiid ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay raadisaa talo-bixin khubaro ah oo ku saabsan wada-hadallada haatan socda. 

Hadalka raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maanta magaalada Ankara uu wadahadal uga socdo Soomaaliya iyo Ethiopia, iyadoo dowladda Turkiga oo dhex dhexaadinaysa ay doonayso in lasoo afjaro muranka labada dal.

Turkiga waxaa uu sheegay in muranka labada dal lagu soo afjari karo  in Ethiopia ay galaangal u yeelato biyaha Soomaaliya, iyadoo ixtiraamaysa madax bannaanida Soomaaliya.

Ankara 13ka Agoosto 2024 Taliyaha ugu sarreeya militariga Ukraine ayaa sheegay in ciidamadiisa ay hadda gacanta ku hayaan dhul gaaraya ilaa 1,000 kilomitir oo isku wareeg oo ka tirsan gobolka Kursk dalka Ruushka.

Waa marki ugu horreysay oo uu sarkaal ka tirsan militariga Ukraine uu si cad uga hadlo duullaanki kediska ahaa ee waji-gabaxa ku noqday Kremlin-ka.

Gen. Oleksandr Syrskyi ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay, in dagaalka uu ka socdo dhammaan jiidaha hore, isla markaana ay ciidanka Ukraine ay hadda xaaladuhu gacanta ku hayaan.

Ku dhawaad hal todobaad kaddib weerarkaasi, ayay ciidamada Ruushka aysan wali bixinin jawaab.

Laakiin madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Isniintii sheegay, in weerarka Ukraine soo qaadday uu yahay isku day ay xukuumadda Kyiv ku dooneyso in ay ku hakiso duullaanka ciidanka Ruushka ee gobolka Donbas.

Wuxuu kaloo intaasi raaciyay in sidoo kale ay Ukraine ku rabto weerarkaasi in ay galangal weyn ku yeelato wadahadallada nabadda ee mustaqbalka, ee laga yaabo in ay wada yeeshaan Ruushka iyo Ukraine.

Arrintan ayaa weji cusub u yeelaysa dagaalka labada dal ee mudadda socday, kaasi oo uu ka dhashay khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo burbur horleh.

Muqdisho 13ka Agoosto 2024 Waxaa la shaaciyay in Masar ay u gudbisay codsi ah in ay ciidankeeda u soo dirto dalka Soomaaliya oo jaarka la ah Itoobiya, si ay qayb uga noqdaan qorshe nabad ilaalin ah.

Midowga Afrika ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ay soo dhaweynayaan codsiga Masar ee ah in ciidamadooda ay u soo diraan Soomaaliya si ay ugu mid noqdaan kuwa nabad ilaalinta.

Ururka ayaa sheegay in marka lagu dhawaaqay in ciidamada Midowga Afrika ee Ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ATMIS, lagu beddeli doono ciidamado cusub oo la yiraahdo howlgalka taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya sanadka 20205-ka.

Shir ay dhawaan yeesheen Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, Masar iyo Jabuuti ayay ku shaaciyeen inay u gudbiyeen codsi ah in ciidamadooda la geeyo Soomaaliya si ay u hoos yimaadaan ciidamadan cusub ee nabad ilaalinta ah.

Labada dal ayaa muujiyay rabitaankooda ah in ciidamadooda loo geeyo Soomaaliya howlo nabad ilaalin ah xilli dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ka baxaan dalka.

Haddii dalabkan Masar la xaqiijiyo, ATMIS-na waqtigeedi howlgaku dhammaanayo sanadka 2024-ka, waxay ka dhigan tahay in ciidamada Masar la geyn doono Soomaaliya bilowga sanadka 2025-ka.

Haddaba, maxaa Al-Sisi ciidamadiisa ugu dirayaa Bariga Afrika? Maxayse diritaanka ciidanka Masar ugu dhigan tahay Soomaaliya, Itoobiya iyo gobolka.

Labada dal ayaa muujiyay rabitaankooda ah in ciidamadooda loo geeyo Soomaaliya howlo nabad ilaalin ah xilli dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ka baxaan dalka.

Haddii dalabkan Masar la xaqiijiyo, ATMIS-na waqtigeedi howlgaku dhammaanayo sanadka 2024-ka, waxay ka dhigan tahay in ciidamada Masar la geyn doono Soomaaliya bilowga sanadka 2025-ka.

Haddaba, maxaa Al-Sisi ciidamadiisa ugu dirayaa Bariga Afrika? Maxayse diritaanka ciidanka Masar ugu dhigan tahay Soomaaliya, Itoobiya iyo gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, “Danta ugu weyn ee Masar ay ka leedahay gelitaanka Soomaaliya waa dan juquraafiyadeed. Waxay noqon karaa xoojinta Qaahira ee muujinteeda garab istaaga Soomaaliya mid lagu tilmaani karo,” ayuu yiri, isaga oo soo qaatay xiisadda Qaahira kala dhexeysa Addis Ababa ee ku saabsan isticmaalka biyaha Niilka.

Marka laga soo tago khilaafka kala dhexeeya Itoobiya, arrimaha ammaanka ee marinka ganacsiga badda cas oo carqalad kala kulmaya fallaagada Xuutiyiinta, waa sabab kale e oo Masar ku ah culays saaran.

Marka la eego xaqiiqda ah in Masar ay dhaqaale badan ka hesho marinka kanaalka Suweys ee isku xira badda Mediterranean-ka iyo badda cas, sugidda amniga badda cas waa arrin u taal Qaahira.

Rwanda 13ka Agoosto 2024  DMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Jamhuuriyadda Rwanda Mudane Paul Kagame oo uu ka qeyb-galay caleemo-saarkiisa.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah iyaga adkeeyay doorka muhiimka ah ee iskaashiga gobolka uu ka qaadan karo wax ka qabashada caqabadaha iyo la dagaallanka argagixisada.

Madaxweyne Paul Kagam ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyey horumarka ay ka gaartay dhinacyada, amniga, diblomaasiyadda iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale waxa uu ballan-qaaday in Rwanda ay taageeri doonto dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, ee dib usoo kabashada ku jira.

Paul Kagame ayaa Axaddii shalay loo dhaariyay xafiiska madaxweynaha dalkaasi dhaca Bariga Africa shanta sano ee soo socota, ka dib markii uu si aqlabiyad leh ugu guuleystay doorashadii bishii hore.

Kagame oo ah 66 sano jir ayaa helay 99.18% codadki la dhiibtay bishii July, kadib markii ay guddiga doorashada ay tartanka doorashada ka reebeen illaa 8 murashax oo isu soo taagtay doorashada. Xilka cusub ee Kagame ayaa ka dhigan in maamulkiisa Rwanda uu gaari doono ku dhawaad rubuc qarni.

Madaxda reer Galbeed iyo kuwa gobolka ayaa Kagame ku ammaanay sida uu dalka uga soo saaray mushkiladihi ka dhashay xasuuqii sannadki 2094-ki iyo sida uu ugu guuleystay soo jiidashada maalgashadayaasha caalamiga ah ee Rwanda.

Muqdisho 13ka Agoosto 2024  Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay hadal ay Soomaali badan shaki ka muujiyeen oo wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan uu ku sheegay in marin badeed la siinayo Itoobiya.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac oo kamid ah wafdiga Soomaaliya ee ku sugan Ankara ayaa sheegay in marin badeed aysan aheyn wax ka baxsan ganacsi, isaggoo xaqiijiyay in ay macquul tahay in Itoobiya ganacsi ahaan usoo gaarto baddeena.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in marnaba aanay Soomaaliya ka tanaasuli doonin mowqifkeedii hore ee ahaa dhowrista madax-baannida iyo qaranimada Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xariiqay in aysan diidaneyn Soomaaliya in ganacsi ahaan looga faa’iideysto badda.

“Dabcan taasi waxay ka dhigan tahay sida xeerarka Qaramada Midoobay ee ‘UKLAS’ dhigayo, wamada aan badda lahayn iyo wadamada dariska la ah ee baddaha leh in ay heshiisyo la galaan oo ay markaasi helaan marin baddeed,” ayuu yiri wasiir Daa’uud oo la hadlay BBC.

Waxa uu intaas sii raaciyay hadalkiisa “Marin baddeed macnaheedu maha wax ka baxsan ganacsi.”

Dhinaca kale, wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in shirka maanta u furmaya Soomaaliya iyo Itoobiya uu noqonayo wejiga labaad ee dadaallada Turkey ku doonayo inuu xal ugu raadiyo xasaradda ka oogan gobolka, kaas oo kasoo hormaray waqtigii loo ballansanaa.

“Waxaan ku xaqiijin karaa in soo dadajinta ay ka timid dadaalada dheeraadka ah ee dowladda Turkiga ay ku dhaqaaqday, oo dhawaan xitaa wasiirkoodii (Fidan) uu tagay Itoobiya, Soomaaliyana xiriiro dhow ay la soo samaynayeen marka waxaa loo arkay muhiin inay tahay in wajiga labaad uu deg-deg u furmo oo laga soo hormariyo toddobaadyo muddadii horrey loogu balamay,” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale wuxuu dowladda Turkiga uga mahad-celiyay dadaalka ay ku bixineyso arrintaan, “Dabcan dadaaallo dheeriya ayaa jira oo Turkigu sameeyey, waana ugu mahadcelinaynaa madaxweynaha Turkiga dadaalladaas dheeraadkaa ee uu sameeyey.”

Muqdisho 13ka Agoosto 2024  Hey’adda Danbi-baarista Gudaha Mareykanka ee loo soo gaabsho FBI ayaa Isniinti shalay sheegtay in ay billowday baaritaan ku aaddan eedaha sheegaya in loo dusay kambuyuutarrada ololaha doorashada Donald Trump kadibna la xaday dukumintiyo xasaasi ah.

Baaritaankan ayaa imanaya maalmo kaddib markii uu olalaha Trump shaaciyay in Iran ay weerar xagga internetka ku bartilmaameedsatay ololahooda

Inkasta oo aysan bixinin faah-faahin dheeraad ah iyo caddeymo muujinaya in Iran ay weerarkaasi ku lug leedahay.

Shirkadda Microsoft ayaa warbixin ay dhawaan soo saartay ku xaqiijiyay in uu dhacay isku day ay wakiillo ajnabi ah ay ku rabeen in ay ku fara-geliyaan ololaha doorashada Mareykanka ee 2024.

Howl-galka Iran ee Qaramada Midoobay, oo arrintan wax laga weydiiyay ayaa beeniyay in ay ku lug leeyihiin.

Si kastaba ha ahaatee, Iran ayaa muddo dheer lagu tuhunsanaa inay wadday ololeyaal ay ku jabsatay xogo dhanka online-ka ah oo yaallay Bariga Dhexe iyo meelo kasii shisheeya.

Tehran ayaa sidoo horay ugu hanjabtay in ay ka aargudan doonto Trump, kadib weerarkii sannadkii 2020-kii lagu dilay Jeneral Qasim Suleymani oo ka tirsanaa saraakiisha sare ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran, weerarkaas oo uu amray madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump.

WARARKA MAANTA 10ka Agoosto 2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa ka been badan Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo Jimco kasta been ka dhex sheegaya Majiidka Isbahaysiga? Yaa diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu dhiso Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa dastuurka beddalay oo aan tagi karin Hargaysa Iyo meelo farabadan Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa hantida dadweynaha dhacay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inay labada aqal iyo xukuummadda Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi barre “)G-36- Daweeye” wadashaqeeyaan Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa burburiyey ciidanka xoogga dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa musuqmaasuqay waxbarashadii ciidanka booliska loogu qaadaayey dibadda Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay xaasaskiisa baad ka qaataan ganacsatada Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa raba inuu xukunka dalka xoog ku joogo oo aanan doorasho qof iyo cod ah ka dhicin Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?

 Ha Wiqleyso!

Hargaysa 10ka Agoosto 2024 Wararka ka imaanaya magaalada Hargaysa ayaa sheegaya in  alat ay magaaladaas ku geeriyootay fanaanadda Asma Xasan Aadan (Asma Saban).

Warar soo baxaya, balse aan xaqiiqo rasmi ah loo heyn ayaa sheegaya in gabadhaasi ay is dal dashay.

Dadka qaar waxay soo weriyeen in aysan is dilin ee maanta uu xanuun ku soo booday, kaasi oo sababay geerideeda.

Allaha u naxariistee geerida Asma Saban waxaa ka dhashay hadal hayn badan, waxaana lagu wadaa in Kooxda ay ka tirsanayd ee Xidigaha Geeska ay faahfaahin rasmi ah ka soo saari doonaan geerideeda.

Hadal heynta iyo tacsida geerida gabadhaan fanaanada aheyd ayaa saacadihii ugu dambeeyay hareysay baraha bulshada, in kastoo wararka ka soo baxaya ay weli is khilaafsan yihiin.

Allaha u naxariistee geerida Asma Saban waxaa ka dhashay hadal hayn badan, waxaana lagu wadaa in Kooxda ay ka tirsanayd ee Xidigaha Geeska ay faahfaahin rasmi ah ka soo saari doonaan geerideeda.

Hadal heynta iyo tacsida geerida gabadhaan fanaanada aheyd ayaa saacadihii ugu dambeeyay hareysay baraha bulshada, in kastoo wararka ka soo baxaya ay weli is khilaafsan yihiin.

Muqdisho 10ka Agoosto 2024  Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa shalay ansixiyay sharciga doorashooyinka iyo midka xisbiyada, kaasi oo billow u ah qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh ee doorasho qof iyo cod ah.

Nuqul kamid ah sharciga doorashooyinka oo ay heshay Caasimada Online, ayaa waxaa ku jira qodobo xujo ku noqonaya musharrixiinta madaxweyne ee u taagan doorashada soo socota, taas oo meesha ka saareysa in mucaaradka uu aqbalo sharcigan.

Sida uu dhigayo qodobka 36-aad ee shuruudaha doorashada madaxweynaha ee sharcigan waa inuu musharaxa jagada madaxweyne u tartamayaa uu muddo laba sanadood kahor ku noolaa gudaha dalka.

Qodobkan ayaa sida muuqata xujo ku noqonaya madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isagu tan iyo markii uu xilka wareejiyay u wareegay ku nolaanshaha magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Sidoo kale wuxuu sharcigan dhigayaa in musharaxa madaxweyne uu 6 bilood kahor iska casilaa haddii uu haho xil fulin dowladeed, marka laga reebo madaxweynaha xilka markaasi haya.

Qodobkan ayaa isna xujo kale ku noqonaya Saciid Deni, oo doorashadii hore u tartamay xilka madaxweyne isaggoo iska casilin kan Puntland, balse sharcigaan ayaa midaas u diidaya hadda.

“Waa inuu ka tanaasulaa haysashada jinsiyad kastoo kale oo aan aheyn midda JFS, uuna sidoo kale shantii sano ee u dambeysay musharaxnimadiisa horteed aanu ku dhicin xukun ciqaab oo ay maxkamadda awoodda u lihi si kama dambeys ah ugu riday,” ayaa lagu yiri qodobo kamid ah sharciga doorashooyinka.

Waxaa adkaan doonta sida muuqata in musharaxiinta u damaca uga jiro kursiga uu ku fadhiyo madaxweyne Xasan ay aqbalaan sharcigan uu madaxweynaha rabo inuu marsado baarlamaanka, iyaga oo horey meel aMiddan ayaa ka dhigan in dalka uu lugaha la galayo qalalaase siyaasadeed, waxaana isha lagu hayaa halka ay ku biyo shubato arrintaan iyo dhinaca ay dhibcaha siyaasadeed dhankiisa mari doonaan.dag uga istaagay afartii cutub ee dastuurka.

Muqdisho 10ka Agoosto 2024 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta Khudbad jeediyay ayaa ka hadlay dardargalinta dagaalka Khawaarijta, si adeegyada dowladnimada loo gaarsiiyo shacabka u nugul tacadiyada argagixisada, qorshaha dowladda ee Dimuquraadiyeynta iyo doorashooyinka qof iyo cod iyo dhaqaalaha dalka.

Qormadeena qeybtaan waxaan ku soo qaada doonaa arrinta dhaqaalaha sidii uu uga hadlay madaxweynuhu, isagoo ka jawaabay hadalheyntii jirtay maalmahaan ee Shiidka ama lacag la’aanta oo si weyn loogu faafiyey baraha bulshada.

Ugu horeyn madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed kula taliyey inay ku shukriyaan nimcooyinka rabbi siiyey, isagoo muujiyey kalsooni iyo koboc dhaqaale oo dalku gaaray.

“kuwa maanta dhaqaale la’aanta ka cabanaya waxay iskugu jiraan kuwii khawaarijta lacagta u aruurin jiray, kii baraha bulshada dadka ka caayi jiray iyo kii wax xadi jiray oo dhammaan wax waaye ama ka yaraadeen wixii soo geli jiray mana ogolin waxaas,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Muqdisho ay sii kobceyso oo hormar xoog leh uu jiro, taasi oo muujineysa in dhaqaalaha dalka uu soo kabanayo.

Wuxuu tusaale u soo qaatay dhismayaasha guryaha, dabaqyada, filooyinka iyo jidadka laamiyada ah ee ka socda Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee waaweyn, sida Kismaayo, Dhuusamareeb, Baydhaba iyo Jowhar.

“Kuwiina shiidka ka cabanaya ma arkaan miyaa hormarkaas, aada halkaas ayuu dhaqaalihii idinka jiraa, inkama jiro wado qaldan, dadkeenu ma gaarin sidii aan rabnay, laakiin waxaa jira hormar weyn iyo koboc dhaqaale,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo khudbadaan ka jeediyey masjidka Madaxtooyada salaadii Jimcaha kadib ayaa sidoo kale sheegay in deeqihii caalamku sii jiray Soomaaliya ay sidoodii u socdaan oo hadda uusan jirin dhaqaale dalku lumiyey ama ka xayiran.

“Dadkeenu waa fakhri oo waa ognahay, laakiin hadana dhaqaalaheenu wuxuu kobcay in ka badan 50% weli meeshii aan rabnay ma gaarin, balse tartiib ayaa loo gaarayaa, waana arkeysaan waxa dhismayaal iyo mashaariic dalka ka socda ee yaan la dhageysa wiil yar oo baraha bulshada kasoo qeylinaya,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Sheekh.

Brazil 10ka Agoosto 2024 Diyaarad kuwa rakaabka qaada ah oo ay la socdeen in ka badan 60 qof ayaa la xaqiijiyay in Jimcihi shalay ay ku burburtay magaalada Sao Paulo ee dalka Brazil, iyadoo ay shilkaasi ay ku dhinteen 61 qof, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha dowladda iyo shirkadda diyaaradda leh.

Diyaaradda oo ka duushay magaalada Cascavel ee gobolka Parana ayaa ku sii jeeday garoonak diyaaradaha caalamiga ah ee Sao Paulo. Waxay ku dul dhacday xaafado la dagganyahay oo ku yaalla degmada Vinhedo oo 80 km u waqooyi galbeed uga beegan magaalada weyn ee Sao Paulo.

Saraakiisha ma aysan sheegin in ay dhibaato soo gaartay dadka deganaa xaafadaha ay diyaaradda ku dul dhacday.

Bayaan kasoo baxay shirkadda leh diyaaraddan ayaa lagu sheegay in ay dhinteen dhammaan rakaabka saarnaa oo gaaray 58 qof iyo shaqaalihi diyaaradda. Ma aysan sheegin magacyada dadka saarnaa iyo in ay ku jireen dadkaasi socoto ajnabi ah iyo in kale.

Dowladda Brazil ayaa sheegtay in la billaabay baaritaan ku aaddan waxa sababay shilka diyaaradda.

Shilkan ayaa ah kii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca dalka Brazil tan iyo sanadkii 2007-dii, markaas oo 199 qof ay ku dhinteen shil diyaaradeed oo ka dhacay magaalada Sao Paulo.

Muqdisho 10ka Agoosto 2024 Wararka ka imaanaya magaalada Hargaysa ayaa sheegaya in caawa ay magaaladaas ku geeriyootay fanaanadda Asma Xasan Aadan (Asma Saban).

Warar soo baxaya, balse aan xaqiiqo rasmi ah loo heyn ayaa sheegaya in gabadhaasi ay is dal dashay.

Dadka qaar waxay soo weriyeen in aysan is dilin ee maanta uu xanuun ku soo booday, kaasi oo sababay geerideeda.

Fanaanada geeriyootay ayaa ka mid ahayd Kooxda Xidigaha Geeska ee ka dhisan Somaliland.

Ilaa hadda ma jirto cid si rasmi ah uga hadashay geerideeda iyo waxa sababay, maadaama ay iska soo daba dhacayaan warar kala duwan.

Asma Saban ayaa ka mid ahayd fanaaniinta aadka loo jeclaa, iyadoo qaaday heeso badan oo sanadahaan dambe aad loo dhageysto.

Allaha u naxariistee geerida Asma Saban waxaa ka dhashay hadal hayn badan, waxaana lagu wadaa in Kooxda ay ka tirsanayd ee Xidigaha Geeska ay faahfaahin rasmi ah ka soo saari doonaan geerideeda.

Hadal heynta iyo tacsida geerida gabadhaan fanaanada aheyd ayaa caawa hareysay Hargeysa, in kastoo wararka ka soo baxaya ay weli is khilaafsan yihiin.

WARARKA MAANTA 9da Agoosto 2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxuu fashilay Taliyaha Amniga Xuseen Macalin ee fashilka dowladda? Yaa noqonday beeloowga ugu weyn #Soomaaliya Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo aan wax ciidan iyo kala-dembay dalka ka soo samayn muddadii l2 sanno iyo dhowrka bilood ahayd? Iscasil  Yaa noqonday beeloowga ugu weyn #Soomaaliya Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”! Soo celi hantidii dadweynaha ee aad ku boobtay kursiga Xafiiska Madaxweynaha! Soo daa dadka aad beenta iyo maxay runta u sheegeen aad ku xirtay! Soo celin heshiiskii iyo dastuurkii lagu wada heshiiyey! Ka daa burburika dowlad gobaleedyada aad ku wado  Yaa noqonday beeloowga ugu weyn #Soomaaliya Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”!  

 Ha Wiqleyso!

Muqdisho 9da Agoosto 2024

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay qorshaha howlgalka 3-aad ee bedelaya ATMIS, kaasi oo bilowga sanadka 2025 ka bilaabanaya Soomaaliya, kaas oo ciidamo ka socda wadamo hor leh ay ka qeyb qaada doonaan.

La-taliyaha amniga qaranka Xuseen Macalin Maxamuud oo maanta u waramay SNTV ayaa sheegay in go’aanka howlgalkaas ay leedahay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in howlgalkaas waqti cayiman aan loo qaban, balse uu socon doono ugu badnaan shan sano, markii ay dalbato dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in lasoo gabagabeynayo.

Muqdisho 9da Agoosto 2024 Nuqul kamid ah sharciga doorashooyinka ee maanta ay ansixiyeen golaha wasiirada Soomaaliya oo ay heshay Caasimada Online, ayaa waxaa ku jiro qodobo la-yaab leh oo qalalaase siyaasadeed gelin kara dalka.

Sharcigan ayaa dhigaya in guddiga doorashooyinka ay awood buuxda u leeyihiin inay ku dhawaaqan dib u dhaca doorashooyinka, kadib marka ay suurtagali waeydo in doorashooyinka qabsoomi waayan duruufo adag oo jira awgood waqtigii loo cayimay.

Sidoo kale waxa uu qodobka 75-aad ee dib u dhaca doorashooyinka ee sharcigan ku xusan in haddii ay suurtagli weydo in doorashooyinka ay qabsoomaan ay qabsoomaan duruufo adag oo jira awgeed, cidda haysa xilka loo tartamayay ayaa sii haynaysa xilka inta duruufahaas adag laga gudbayo doorashaduna ka qabsoomayso

Qodobkan ayaa masuulka xilka jooga siin kara waqti dheeraad ah “muddo kororsi” uu kusii joogi karo, waana mid kamid ah qodobada qalalaase siyaasadeed horseedi kara, ayada oo la ogyahay waxa dhici kara haddii madaxweyne muddo xileedkiisu dhamaaday uu iska sii joogo Villa Somalia.

Sharcigan ayaa sidoo kale waxa uu dhigayaa in magaala madaxda dalka ee Muqdisho ay yeelaneyso gole ka kooban 49 xubnood iyo duqa caasimadda iyo ku-xigeenkiisa oo si toos ah oo qarsoodi ah ay u soo dooranayaan cod bixiyeyaasha diiwaan gishan (Vote Registration).

Waxa uuna dhigayaa in degmo kasta oo magaalo madaxda dalka ah ay yeelaneyso gole deegaan iyo duqa degmada oo la soo dooranayo.

“Degmooyinka Caasimadda Muqdisho ayaa yeelanaya labo darajo oo Gole deegaan ah (A) oo noqonaya 15 xubnood, halka darajada (B) ay noqoneyso 11 xubnood gole deegaan ah, taasoo macnaheeda tahay sida ay u kala helayaan darajooyinkaas ay tahay sida ay degmooyinka u kala weyn yihiin.”

Sharcigan oo lagu wado in baarlamaanka loo gudbiyo kadib markii ay maanta ansixiyeen golaha wasiirada Soomaaliya, ayaa uga sii dari kara xiisadda ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka, taas oo meel adag iska taageen madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Muqdisho 9da Agoosto 2024 Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirkii Wasiirada Maaliyadda ee heer Fadaraal, Heer Dowlad-Gobolood iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kaas oo socday muddo sadex cisho ah, iyadoona diiradda lagu saaray qodobo muhiim u ah horumarinta hannaanka maaliyadda iyo wadashaqaynta guud.

Dood dheer kadib, madashu waxa ay isku raacday warmurtiyeed ka kooban 5 qodob oo ay wadajir u saxiixeen Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige oo ah Guddoomiyaha Madasha iyo Wasiirada Maaliyadda Dowlad-Goboleedyada kala ah Jubbaland, Hirshabeelle, Koofur-Galbeed, Galmudug iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

              Qodobada lagu heshiiyay

1) 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐚𝐠𝐠𝐚 𝐊𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐌𝐢𝐢𝐬𝐚𝐧𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 (𝐁𝐮𝐝𝐠𝐞𝐭 𝐒𝐮𝐩𝐩𝐨𝐫𝐭):

Si waafaqsan heshiiskii Wasiirrada ee shirkii 18-aad, ee ku saabsanaa wadaagga deeqaha, waxa lagu heshiiyey in lagu saleeyo wadaagga kabka miisaaniyadda Sanad Maaliyadeedka 2024, si waafaqsan tilmaamaha heshiiska.

Waxa sidoo kale la isla qaatay in lagu dabaqayo dajinta Miisaaniyadda Sannadka 2025.

Muqdisho 9da Agoosto 2024 Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Masar ay dalbatay inay ciidamo u soo dirto Soomaaliya, maadaama uu socdo qorshe lagu diyaarinayo howlgalka 3-aad ee bedelaya ciidamada ATMIS oo dalka joogay in ka badan 10 sano.

La-taliyaha amniga qaranka Xuseen Macalin Maxamuud oo maanta u waramay SNTV ayaa xaqiijiyey in Masar ay soo gudbisay codsigaas, balse go’aanka aqbalaada laga sugayo dowladda Soomaaliya.

“Masar iyo Jabuuti waxay kulankii Midowga Afrika ay uga tashanayeen qorsheynta howlgalka cusub uga dhawaaqeen inay diyaar u yihiin inay ka qeyb noqdaan oo Soomaaliya ciidamo u soo doraan, laakiin dowladda Soomaaliya ayaa go’aan ka gaareysa wadamada ay ciidamadu ka imaa doonaan,” ayuu yiri Xuseen Macalin Maxamuud.

Howlgalkaas ayaa Soomaaliya ka bilaabanaya horaanta sanadka 2025-ka, waxaana go’aankiisa loo daba fariisa doonaa dowladda Soomaaliya, sida la rijeynayo wax badan ayuu uga duwanaa doonaa kan hadda shaqeeya ee ATMIS.

La-taliyaha amniga qaranka wuxuu sheegay in howlgalkaas waqti cayiman aan loo qaban, balse uu socon doono ugu badnaan shan sano, markii ay dalbato dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in lasoo gabagabeynayo.

Sidoo kale waxaa intii hore ka yaraa doona ciidamada ka qeyb qaada doona howlgalkaas, waxaana la qorsheeyey in 10,000 (toban kun) aysan ka badan.

La-taliyaha amniga qaranka wuxuu wareysigaan ku sheegay in ciidankaas ay u howlgeli doonaan si ka duwan ATMIS.

Waxay tegi doonaan furimaha dagaalka, waxayna la howlgeli doonaan ciidamada qaranka, iyagoo saldhigyo ka sameysa doona deegaanada fog fog ee looga baahanyahay ciidamada.

Dowladda Soomaaliya ayaa diyaarineysa ciidamo Soomaali ah oo la howlgeli doona ciidamadaas cusub ee ka socda dalalka shisheeye, kuwaas oo hagi doona howlgalka.

“Markii la ansixiyo go’aanka ay ciidamadaas uga howlgelayaan Soomaaliya, waxaan si gaar gaar ah heshiisyo ula geli doonaa dowladaha ay ciidamadaasi ka socdaan,” ayuu yiri La-taliyaha amniga qaranka Xuseen Macalin Maxamuud.

Muqdisho 9da Agoosto 2024 Guddoomiyaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi ayaa soo magacaabay guddi ka kooban 4 xildhibaan iyo hal senator oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Guddigaan ayaa loo magacaabay inay ka shaqeeyaan oo Soomaaliya ku metelaan qorshe cusub oo bilaabanaya, kuna saleysan saaxiibtinimada ee baarlamaanadda Soomaaliya iyo dalka Luxembourg.

Xubnaha la magacaabay waxa ay kala yihiin:

1-Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar

2-Xildhibaan Suhuur Xaaji Culusow

3-Xildhibaan Dahabo Suusow Maxamuud

4-Senator Seynab Ismaaciil Maxamed

5-Xildhibaan Xiis Xasan Aadan.

Dowladda Soomaaliya oo ku jirta soo kabasho ayaa aad u daneysa inay la saaxiibto dalal kale ee caalamka, waxaana baarlamaanka horay looga xolay guddiyo sidaan oo kale u shaqeeya.

Guddiyadaan ayaa loo xil-saaraa inay ka shaqeeyaan saaxiibtinimada ama iskaashiga labada dal iyo labada baarlamaanka, guddiga ugu shaqada badan waa kan qaabilsan saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Turkiga.

Fursadda uu helay guddigaas waa in danaha labada dal ay aad isku dhexgaleen oo saaxiibtinimada ama xiriirkoodu uu gaaray heerkii ugu sareeyey.

WARARKA MAANTA 7da Agoosto 2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa noqonday beeloowga ugu weyn #Soomaaliya Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Akhriso waxa uu beeloowga ugu weyn ku noqday Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye:  1. Waxuu ballanqaaday inuu baari doono kiiska Marxuumad Kornayl Ikraam DTaxaliil iyo Xildhibaan Aamino. 2. Waxuu ballan-qaaday inuu sugi doono amniga #Muqdisho. 3 Waxuu ballan-qaaday inuu samayn doono #Maqaamka #Muqdisho. 4. Waxuu ballan-qaaday inuu dalka ku dhaqi doono dastuurka federaalka kaasoo uu wax ka beddelay. 5. Waxuu goballada dalka iyo dadka dhexdooda ka huriyey dagaallo wajiyo farabadan leh. 6. Waxuu xillal u dhiibay rag ahaan jiray argagixisada #Shabaab. 7. Waxuu boobay hantidii dadweynaha asaga iyo qoysaskiisa. 8. Waxuu ogolaaday inuu ka ganacsado daroogada Khaadka iyo wixii lamid ah. 9. Waxuu ogolaaday inuu laaluush joogta ah siiyo labada aqal si aysan yla xisaabtamin. 10. Waxuu diiday inay Raysal Wasaaraha Iyo Golaha Wasiirada ka shaqeeyaan hawlaha oo idmaday asagoo Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” noqday shiikhul kuli. 11. Yaa ciidanka baab’ibiyey Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  12. Yaa dalka diiday inuu yeesho lacag Soomaalii? Yaa been dhihi kara arrimahaas inuu ku noqday Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” been-hawaas been=hawaaska ugu darran ee aan waxba ka nixin!  

 Ha Wiqleyso!

Muqdisho 7da Agoosto 2024 Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta si rasmi ah uga furmay shir xasaasi ah oo u dhexeeyo dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka, kaas oo looga hadlayo arrimana maaliyadda dalka.

Waxaa kulanka ka maqan oo aan ka soo qayb-galin wasiirka Mlmaaliyadda Puntland oo ka mid ahaa wasiiradii lagu casuumay shirka, balse aa imaan Muqdisho, sababo la xiriira khilaafka weli maamulkan kala dhexeeyo dowladda federaalka, kaas oo saameeyay wada shaqeynta labada dhinac.

Shirkan oo ah kii 22-aad ee wasiirada maaliyadda ayaa waxaa daah-furay wasiie Biixi Imaan Cige, ayada oo ay goobjoog yihiin wasiirada maaliyadda dowlad goboleedyada iyo maamulka Gobolka Banaadir.

Ujeedka shirkan ayaa ah mid looga wada-tashanayo arrimaha horumarinta dhaqaalaha, hannaanka maamulka maaliyadda dalka, qeybsiga kheyraadka iyo mideynta cashuuraha, taas oo muhiim u ah koboca dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaiya Biixi Imaan Cige oo madasha ka hadlay ayaa soo dhaweyn kadib furitaanka shirka waxa uu dhageystay talooyinka wasiirada dowlad goboleedyada, isga oo uga jawaabay su’aallo la xiriira horumarinta maaliyadda iyo wadashaqeynta labada dhinac.

Sidoo kale waxa uu wasiirku dhankiisa la wadaagay xubnaha ka qayb-galaya shirka horumarada laga gaaray maaliyadda dalka iyo dadaallada horumarineed ee ay hadda waddo dowladda Soomaaliya, taas oo ay ugu horeyso qaadista canshuuraha dalka oo muhiim u ah kobaca dakhliga kasoo xarooda gudaha dalka.

Shirka maanta u furmay dowladda dhexe iyo maamullad dalka ayaa socon doono muddo laba cisho ah, ayada la filayo in beri lasoo xiro, isla markaana laga soo saaro war-murtiyeed.

Si kastaba, dhowaan ayaa lagu wadaa in shir kan ka ballaaran ay isugu yimaadaan madaxda dowladda federaalka iyo hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada, kaas oo ka dhici doono magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Muqdisho 7da Agoosto 2024 Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ayaa maanta hortegay guddiga arrimaha gudaha ee golaha shacabka, isagoo wajahay su’aalo adag oo laga weydiiyey xaaladda Muqdisho.

Sidoo kale guddiga ayaa guddoomiye Madaale u qabsaday sababta uu ugu gefay xildhibaanada mucaaradka ku ah xukuumadda oo uu ku tilmaamay kuwo baahan, wuxuuna Madaale mar kale arrintaas galabta ka bixiyey raali gelin.

Sidoo kale, qaraxii dadka shacabka ah lagu laayey ee ka dhacay xeebta Liido ayaa su’aalo laga weydiiyey Madaale iyo dhibaatooyinka kale ee ka jira magaalada.

Xildhibaanada guddigaas ku jira ayaa guddoomiyaha su’aalo badan ka weydiiyey dib u dhaca ka jira caasimada ee dadka reer Muqdisho ay dareemayaan.

Kulankaan waxaa loo diiday warbaahinta wuxuuna ahaa mid ay Albaabadu u xiran yihiin, taasi oo yareysay xogta laga heli karo, warbaahintii u tagtay inay soo tebiso ayaa lagu wargeliyey inay iska laabtaan.

Guddoomiyaha guddiga arrimaha gudaha ee golaha shacabka Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye oo warbaahinta la hadlay markii kulankaasi soo dhamaaday ayaa yiri, “Anaga oo ah Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Maamulada BJFS waxaan la kulanay Wasiirka arrimaha gudaha iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir, kulanka waxaan uga hadalnay weerarkii Khawaarijtu ku qaaday shacabkii ku sugnaa xeebta Liido”.

Guddiga ayaa isla maanta u yeeray wasiirka arrimaha gudaha, sida uu cadeeyey Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye waxaana la weydiiyey su’aalo lamid ah kuwa Madaale la weydiiyey.

Guddoomiye Madaale ayaa xiligaan la kulmaya cadaados adag, maadaama magaalada Muqdisho ay ku nool shahay bulsho badan caqabado badana ay ka jiraan, xiliyada qaraxyadu dhacaan iyo markii Roob da’o waxay Muqdisho gashaa xaalad xasaasi ah, taas oo indhaha bulshada ku soo jeedisa guddoomiyaha.

Falastiin 7da Agoosto 2024  Ka dib wadahadallo labo maalmood qaatay oo magaalada Doxa ee dalka Qadar ay ku yeesheen madaxda ururka Xamaas ayey ku dhawaaqeen cidda beddelaysa hoggaamiyahoodii siyaasadda Ismaaciil Haniya oo toddobaad ka hor lagu dilay dalka Iran.

Xamaas ayaa ku dhawaaqday in Yahya Sinwar, inuu noqonayo madaxa guud ee cusub ee Ururka isagoo beddelaya Ismail Haniyeh.

Ninkan ayaa tan iyo 2017kii, waxa uu ahaa hoggaamiyaha kooxda ee gudaha marinka Qasa. Hadda waxa uu noqon doonaa hoggaamiyaha garabkooda siyaasadeed.

Hoggaanka Xamaas ayaa si wada jir ah u doortay Sinwar inuu hoggaamiyo dhaqdhaqaaqa, sida uu BBC-da u sheegay sarkaal sare oo Xamaas ka tirsan.

Goluhu wuxuu si aqlabiyad ah ugu codeeyay in la doorto Sinwar, taasoo mid ka mid ah saraakiisha Xamaas uu BBC-da u sheegay in tani tilmaamayso “farriin ka dhan ah Israa’iil”.

“Waxay dileen Haniyeh, qofka dabacsan ee u furfuran xalalka. Hadda waa inay la macaamilaan Sinwar iyo hoggaanka militariga,” ayuu yiri sarkaalka.

Ku dhawaaqistan ayaa kusoo beegmeysa xili xiisadda bariga dhexe ay cirka isku sii shareereyso, iyadoo Iran iyo xulafadeeda ay ku hanjabeen inay ka aargudan doonaan dilka Haniyeh oo ay ku eedeeyeen Israel. Israa’iil kama aysan hadlin.

Xaaladdo badan ayaa laga hadlay, laakiin ugu dambeyntii, laba magac oo kaliya ayaa la soo bandhigay: Yahya Sinwar, iyo Mohammed Hassan Darwish, oo ah qof aan muuqan oo madax ka ah Golaha Shuurada Guud, oo ah golaha soo saara Xafiiska Siyaasadda Xamaas.

Ka hor dhimashadiisa, Ismaciil Haniyeh waxa ay dublamaasiyiinta gobolku u arkayeen in uu yahay shaqsi wax ku ool ah marka loo eego kuwa kale ee Xamaas ahaana darawalka muhiimka ah ee siyaasadeed ee kooxda.

Ninkan hadda hoggaanka kooxda qabanaya Yaxye Sinwar, waxaa loo arka mid ka mida kuwa ugu xagjirsan Xamaas.

Sinwar ayaa ka mida kuwa ugu sarreeya liiska shaqsiyaadka Xamaas ee Israa’iil aad u doon doonayso.

Hay’adaha ammaanka ee Israa’iil ayaa rumeysan inuu isagu maleegay qorsheynta iyo fulinta weerarradii 7-dii Oktoobar 2023, kaasoo ay

Muqdisho 7da Agoosto 2024 Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo xalay kulan aan caadi ahayn ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ku ansixiyay safiiro cusub oo kor u dhaafaya illaa 10 Danjire, kuwaas oo Soomaaliya uga howlgeli doono caalamka.

Ujeedka magacaabistan ayaa lagu sheegay si loo dhameystito danaha diblomaasiyadeed ee aan ka leenahay dalalka caalamka.

Sidol.kale xubnaha la ansixiyay ayaa waxaa ku jiro laba Qunsul, waxaana ay kala yihiin:- 1. Ibraahim Cumar Sheegow – Safiir, 2. Sheekhnuur Maxamed Xasan – Safiir, 3. Jaamac Xasan Khaliif – Safiir, 4. Dr. Cabdulkhaadir A. Xaashi – Safiir, 5. Fardowsa Maxamed Qanyare – Safiir, 6. Faysal Axmed Salaad – Safiir, 7. Abiib Muuse Faarax – Safiir, 8. Dr. Hodan Cismaan Cabdi – Safiir, 9. Ilyaas Cali Xasan – Safiir, 10. Dr. Sakhawadiin Mustaf Maxamed – Safiir, 11. Maxamed Abuukar Zubeer – Safiir, 12. Cabdinuur Daahir Fiidow – Safiir, 13. Cabdiweli Xirsi Cabdulle (Indhaguran) – Qunsul Guud, 14. Cabdikariin Axmed Maxamed – Qunsul Guud

Dhinaca kale shirka ay xalay yeesheen golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo hadal qaaday weerarkii argagixiso ee ka dhacay xeebta Liido Jimcihii la soo dhaafay, kaas oo lagu laayay dad badan oo aan waxba laga galabsan.

Golaha ayaa sidoo lale ku dhawaaqay in ay lacag nus milyan dollar ah xukuumaddu ugu talagashay in la siiyo dadka waxyeelladu ka soo gaartay weerarkaasi, halka Ra’iisul Wasaaruhu mushaarkiisa Bishan uu u jaray gurmadka dadka waxyeelladu soo gaartay, iyadoo dhammaan xubnaha Golaha Wasiirradana ay mushaharaadkooda qayb ka mid ah u jareen.

Qorshaha lacagtan ayaa ah mid loogu talagalay in lagu taageero dhaawacyada iyo dib-u-dhiska nolosha dadka ay dhibaatadu soo gaartay weerarkaasi bahalnimo ee lagu xasuuqay shacab aan waxba galabsan. Xukuumadda ayaa qaadday tallaabooyin lagu xaqiijinayo sugidda amniga shacabka.

Weerarkii xeebta Liido ayaa dhaliyay khasaare xoogleh, waxaana lagu laayay dad u badan dhalinyaro oo ku caweynayay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Muqdisho 7da Agoosto 2024  Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo xalay guddoomiyay shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha wasiirada ayaa qaaday tallaabo culus oo lagu boggaadiyay, taas oo sidoo kale dhalisay falcelin xooggan.

Xamza ayaa mushaarkiisa bishan ugu deeqay dadkii ku dhaawacmay weerarkii Jimcihii ay Al-Shabaab ku beegsadeen shacabkii ku sugnaa xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, ayadoo sidoo kale dhamaan xubnaha Golaha Wasiirradana ay mushaaraadkooda qayb ka mid ah u jareen gurmadka loo fidinayo dadka ay waxyeelada gaartay.

Golaha ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in ay lacag nus milyan dollar ah xukuumaddu ugu talagashay in la siiyo dadka waxyeelladu ka soo gaartay qaraxaasi, taas oo lagu kordhin doono lacaga gurmadka ee haatan la aruurinayo.

Lacagtan ayaa loogu talagalay in lagu taageero dhaawacyada iyo dib-u-dhiska nolosha dadka ay dhibaatadu soo gaartay weerarkaasi bahalnimo ee lagu xasuuqay shacab aan waxba galabsan.

Haddaba sidee looga falceliyay? 

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa ka falceliyay tallaabadan, iyaga oo inta badan ku amaanay ra’iisul wasaare Xamza.

Xidig Cadde “Ra’iisul wasaaraha waa wanaagsan yahay hadduuba mushaarkiisa bishan u daayey dadkii waxyeelada soo gaartay”.

Maxamed Deeq Xasan Xaraare ayaa isna falcelintiisa ku yiri “Mushaarka Ra, isulwazaaraha waa immisa?”.

Cabdiraxmaan Maxamed “Ra’iisul wasaare waa ogahay daacad baa tahay haddii ay jirto lacagtaa gudigaa u xil-saareyso gacan ku haay dadka qaarna haba u dhiibin”.

Cabdalle Naasir “Waa dowlad mashruuc ah lacagtaas wllhi inaysan gaarayn rag gaar ah baa qadan dabaqyana ka dhisan”.

Muscab Xasan “Lacagta wax ma tartee ee shacabka hadaan amnigooda sugi karin ka taga meesha kuligiin calooshiin ushaqeestayaal baa tihiin

WARARKA MAANTA 3da Agoosto 2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa soo daayey ninkii qarxiyey Liido Iyo gaarigii uu watay? Yaa Shabaab wasiir iyo jaggooyin kale u dhiibay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” ka qabtay amniga dalka? Maxuuse Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” u diiday inuu sameeyo #Maqaamka #Muqdisho Iyo #Maxkammadda Dastuuriga ah? Yaa hubka iska lahaa ee ay shacabka #Caabudwaaq? 

 Ha Wiqleyso!

Muqdisho 3da Agoosto 2024 Waxaa sii kordhaca khasaraha ka dhashay weerarkii xooganaa ee xalay ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac tiro badan oo buux dhaafiyay isbitaalla ku yaalla caasimada.

Weerarka oo qaraxyo ku billowday ayaa waxaa lagu beegsaday hoteelka Beach View oo ku yaalla xeebta, waxaana khasaaraha ugu badan uu soo gaaray shacab fara badan oo halkaasi ku sugnaa, maadaama ay Jimco ahayd, xeebtana ay u damaashaad tageen.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkan ku naf-waayay in ka badan 30 qof, halka ku dhowaad 100 kalana ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ubadnaa dhalinyaro ku caweynayay Liido.

Dadka dhintay waxaa ku jira nin iyo xasaaskiis, laba wiil oo walaalo ahaa iyo dad kale oo qaraabo dhow ahaa, kuna sugnaa xeebta xilliga weerarka dhacayay.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay waxa ay sheegtay in ciidamada ammaanka ay soo afjareen weerarkii ay xalay Al-Shabaab ku qaadeenxeebta Liido ee magaalada Muqdisho, waxayna intaasi ku dartay in la toogtay 5 dagaalame oo weerarka fuliyay, halka mid kalena uu is qarxiyay.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in laga hortagay gaari ay ka buuxaan walxaha qarxa oo la doonanay in shacabka lagu dhibaateeyo.

Dhinaca kale guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa saqdii dhexe ee xalay qaar ka mid ah isbitaalada Magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada dadkii waxyeelada kasoo gaaray weerarkii ay xalay kooxda Al-Shabaab ka gaysatay xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis.

Yuusuf Madaale ayaa dul istaagay qaar ka mid ah dhaawacyada, asigoona warbixin ka dhageystay Takhaatiirta la tacaalaya baxnaaninta dhaawacyada. Waxa uu eebe ugu baryay caafimaad deg deg ah inta ay dhibaatada kasoo gaartay weerarkaasi arxanka darnaa, asigoona jannatul fardowsa u rajeeyay dadkii ku dhintay weerarkaasi.

Muqdisho 3da Agoosto 2024  Facelin xoog leh ayaa ka dhalatay weerarkii qaraxyada ku bilowday ee xalay kooxda Al-Shabaab ku qaaday xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaas oo lagu beegsaday dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Weerarkan ayaa dhaliyay khasaare lixaadleh, waxaana dhimashada ay gaareysaa sodomeeyo qof, halka ay ku dhawaacmeen ku dhowaad 100 kale oo u badan dhalinyaro.

Madax kala duwan oo ay ku jiraan madaxweynayaashii hore ee dalka iyo sidoo kale hoggaamiyeyaasha maamul goboleedka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay weerarkan, waxayna dhammaantood cambaareeyeen falkan, iyaga oo sidoo kale ka tacsiyeeyay.

Sheekh Shariif Madaxweynihii hore ee dowladdkii KMG ayaa yiri “In ay argagaxisadu weerarkan ku soo beegaan habeen Jimco ah ay xeebtu ugu saxmad badan tahay waxay muujinaysaa cadawtooyada ay argagaxisadu u qabaan dadka Soomaaliyeed” .

Maxamed Cabdullah Farmaajo madaxweynihii hore ee dalka “Goobaha nasashada dadweynaha in weerar iyo qarax ay ku beegsadaan argagixisada Alshabaab waxay muujinaysaa cadaawadda, diin la’aanta iyo damiir xumada arxan laaweyaashan caadeystay xasuuqa iyo gumaadka dadka Soomaaliyeed. Baaxadda dhibta gaartay dadkeenna caawa waxaa waajib ah in aan gacmaha isqabsanno oo ugurmanno dhaawacyada iyo ehelada shuhadada, iyada oo gacan la siinayo laamaha caafimaadka iyo amniga”.

Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe “Qalbiyadeenna aad ayuu u gilgilay weerarkii bahalnimo ay argagixisada ka geesatay Liido. Rabbi ha Janneeyo intii ku dhimatay, inta dhaawaca ah Allaha bogsiiyo.”

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khayre “In ay argagaxisadu weerarkan ku soo beegaan caawa oo kale oo ay xeebtu ugu saxmad badan tahay waxay muujinaysaa cadawtooyada ay argagaxisadu u qabaan dadka Soomaaliyeed. Waxaan ciidamada qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay muujiyaan feejignaan, iskaashi, iyo dadaal dheeri ah, si looga hortago in ay soo noqdaan weerarradan bahalnimada ah”.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa yiri “Weerarka arxan darrada ah ee ka dhacay magaalada Muqdisho oo lala beegsaday dad aan waxba galabsan waxay muujineysaa sida argagixisada gumaadeyso dalkeenna, Allaah waxaan ka baryaa intii geeriyootay in uu jannadii geeyo inta dhaawacana uu u boogga dhayo”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa isuguna yiri “Allaha u naxariisto shacabka ay caawa argagexisadu ku xasuuqeen xeebta Liido, caafimaad degdeg ahna Allaha siiyo inta dhaawaca ah. Muuqaallada laga soo qaaday goobta ay naftii haligayaasha isku qarxiyeen waa kuwo argagax leh oo muujiniyana arxan la’aanta argagexisada iyo sida ay uga arradan yihiin damiirka qofnimo, islaanimo iyo bani’aadanimo”.

Muqdisho 3da Agoosto 2024  Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo maanta shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa faah-faahin ka bixiyay weerarkii xooganaa ee xalay ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ayaa sheegay in weerarkan lagu laayay dad shacab ah oo aan waxba galabsan, wuxuuna xaqiijiyay in lagu dilay 32 qof, laguna dhaawacay 63 kale.

“Guud ahaan waxaa goobtaasi ku geeriyooday dad rayid ah oo tiradooda kor u dhaafeyso 32 qofood, waxaana ku dhaawacmay dad kale oo isugu jiro dhaawac culus iyo mid fudud oo gaaraayo 63 ruux” ayuu yiri afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliya.

Cabdifataax Aadan Xasan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ciidamada ammaanka uu ka dhintay hal askari, mid kalena uu ka dhaawacmay intii uu socday howlgalka, waxaana sidoo kale uu xusay in la toogtay 3 nin gudaha u gashay hoteelka Beach View.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la fashiliyay gaari siday waxlaha qarxa, isla markaana ciidamada ammaanka ay qabteen isaga oo dhaawac ah ninkii waday baabuurka.

Afhayeenka ayaa intaasi kusii daray in weerarkan uu muujinayo sida ay Al-Shabaab u beegsaneyso shacabka Soomaaliyeed, isagoo ku baaqay in meel looga soo wada jeesto.

“Arrintan waxay farriin cad u tahay bulshada Soomaaliyeed oo aan leeyahay wax innoo haray ma jiro Khawaarij taargadkooda ma’ahan shaqsi dowlad u shaqeeya ee maanta waxa ay u socdaan inay isir sifeeyaan macaga Ummadda Soomaaliyeed” ayuu raaciyay.

Weerarkan ayaa muujinaya sida Al-Shabaab ay xooga usoo saareen caasimada, waxaana dhawaan ay ka fuliyeen laba weerar oo si xig xigay, kaas oo mid kamid ah lagu qaaday xabsiga dhexe halka kan kale lagu beegsaday maqaayad ku taalla degmada Boondheere.

WARARKA MAANTA 2da Agoosto 2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxuu ku fashilmay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Maxuuse qaban jiray xilliga uu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” mucaaradka ahaa? Maxaase ku dhacay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” #Dubia markii Insha iyo wajiga laga soo bukabukeeyey?  Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” u tagay #Ankara? Maxuuse smanay jiray Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” markii uu Janaraal Gabar jaajuska u ahaa?  Meeqo madax Soomaali sheegan jirtay ayaa Janaraal Gabar ka fara-xummeyey xaasaskooda? Meeqo shabaab ah ayaa ka dhex shaqaynaaya Dowladda #Soomaaliya? 

 Ha Wiqleyso!

Muqdisho  2da Agoosto 2024 Shirwrynaha 2-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho, kaasi oo socday muddo afar maalmood ah, waxaana looga hadlay qodobo muhiim u ah dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Shirkaan waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ee dowladda federaaka Soomaaliya, wuxuuna qabsoomay sanadkii labaad, iyadoo la isugu keenay mashaa’ikhda ugu waaweyn culimada Soomaaliyeed oo ka kala yimid dibadda iyo gobollada dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay shirka, wuxuuna ka jeediyey khudbad uu ku soo bandhigay caqabadaha ku xeeran dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo adkeeyey in culimadu ay xoojiyaan wacyigelinta ku wajahan marin habaabinta argagixisadu ay ku wadaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo dambiyada ay ku galayaan magaca diinteenna suubban ee Islaamka.

Afartii maalmood ee shirweynahaan uu ka socday magaalada Muqdisho, waxay culimada Soomaaliyeed isku weydaarsadeen talooyin wax tar u leh dalka, dadka iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya, waxaana gabagabadii laga soo saaray war-saxaafadeed.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa ugu dambeyntii soo xiray shirweynaha labaad ee culimada Soomaaliyeed oo qabsoomay sanadkii labaad oo xiriir ah.

“Khataraha ugu waaweyn ee ina horyaalla waxaa ugu horreeya Khawaarijta, waxa ay khatar ku yihiin caqiidada, dhaqaalaha, bulshada, wax-soo-saarka iyo jiritaanka umaddaan, argagixisadu waxa ay hoggaamiyaan jahliga, diin xumada iyo dhaqan xumada, meeshii ay ku raaggaanna waxaad ku arkaysaa ummad burburtay oo dhaqan iyo hoggaamin lahayn. Culumada Soomaliyeed waxaan ka rabnaa in ay sameeyaan naf-hurnimo oo ay kiciyaan bulshada, naguna hoggaamiyaan dagaalka lagula jiro cadowga khawaarijta ah,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre.

Dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto Khawaarijta Al-Shabaab waa 3 jiho oo kala ah diinta, dhaqaalaha iyo kan tooska ah oo ciidanka xoogga Soomaaliya ay gobollo badan uga nadiifiyeen argagixisada.

Shirkii kan ka horeeyey waxay sanadkii hore culimada Soomaaliyeed ka soo saareen fatwo ka dhan ah kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana loo aqoonsaday Khawaarij ay culimadu cadeysay in dhiigooda in la daadiyo oo maalkooda la furto, dalkana laga xoreeyo ay banaantahay, taas oo dad badan ku dhiiri-geliyey inay iska xaadiriyaan furimaha dagaalka, si ay ugu jihaadaan Khawaarijta.

Muqdisho  2da Agoosto 2024 Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaiya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay waxgaradka Beesha Karanle oo isugu jiray Siyaasiyiin, Odayaal dhaqan, Ganacsato iyo Haween.

Kulanka Madaxweynaha iyo Beesha waxaa diiradda lugu saaray qobo ay ka mid yihiin sidii loo dardarginlahaa dagaalada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda gobollada Galguduud iyo Mudug oo ay beeshu dagto.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay in Khawaarijta jab xoog leh loo geystay, dhawaana lasoo afjari doono joogitaankooda gobollada dhexe.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa kulankaan ka sheegay in ay ka go’antahay in dalka laga hirgaliyo doorasho qof iyo cod ah, si shacabka Soomaaliyeed ay qeyb uga noqdaan ka go’aan gaarista arrimaha masiiriga ah ee dalkooda.

Waxgaradka beesha Karanle ayaa soo dhaweeyay dadaallada Madaxweynaha, iyagoo ka balan qaaday in ay garab ku siinayaan dadaal kasta oo Khwaarijta dalka looga xoreynayo.

Waxgaradka beesha Karanle ayaa si gaar ah ugu riyaaqay hirgalinta qorsha Madaxweynaha ee doorashada qof iyo codka ah ee uu balan-qaaday marar badan.

Waxgaradkii la kulmay madaxweynaha ayaa u sheegay inay ku dhiban yihiin qaar badan oo ka mid ah siyaasiyiinta ku metesha dowladda, gaar ahaan baarlamaanka, isla markaana ay xal muhiim ah u arkaan inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Xubnaha la kulmay Madaxweynaha waxay u cadeeyeen in hadii uu dalka ka hir-geliyo nidaam doorasho oo qof iyo cod ah ay fursad u helayaan in ay soo doortaan siyaasiyiin si dhab ah ugu metesha dowladda oo wax tar u leh dadka iyo deegaanka laga soo doortay.

Galmudug 2da Agoosto 2024 Wasiirkii hore ee wasaaradda macdanta iyo batroolka ee dowlad goboleedka Galmudug Cabdulqaadir Maxamed Siciid (Jantalmaan) ayaa soo bandhigay qiso cajiib ah oo dhacday mar uu dalka Turkiga kula kulmay Hoggaamiyihii Xarakada Xamaas Ismaaciil Haniya ayaa shalay Israa’iil ay ku dishay duqeyn ka dhacday dalka Iiraan.

Wuxuu sheegay in maalin iyagoo jooga Ankara lagu casuumay kulan loogu duceynayay shacabka Falastiin oo ay abaabushay dowladda Turkiga, Wasiir Jantalman wuxuu sheegay in kulankaas ay isku arkeen, kuna sheekeysteen isaga iyo hoggaamiye Ismaaciil Haniya.

Wasiir hore Cabdulqaadir Jantalmaan oo ka sheekeeyey kulankii ay la qaateen Ismaaciil Haniya wuxuu yiri, “Aniga iyo wasiir kuxigeen ka socda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo markaas ku sugneyn Turkiga gaar ahaan Istanbul ayaa naloosoo diray mas’uuliyiintii wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ee madaxweyne Erdogan u wakiishay qaban qaabada kulanka, sidaas ayaana uga qayb galnay.”

Intaas kadib wasiirku waxa uu sheegay in Ismaaciil Haniya uu labada gacmood qabtay labadooda wasiir ee ka socday Soomaaliya oo kor u taagay isaga oo yiri, “Caawa waxaa inoo marti ah Sharaftii Muslimiinta”, isaga oo kala jeeda Soomaaliya, sidoo kale waxa uu yiri “Soomaaliya waa walaalo qalbiga, dhiigga iyo laf ahaantaba inoo ah”.

Sidoo kale Ismaaciil Haniya ayaa yiri “Soomaalidu waa dad aan jecelnahay, waana dadka kaliya ee ku mideysan taageerada Falastiin shacab iyo xukuumadba oo noo bannaan-baxa, salaadda janaasadana noo tukada, waliba iyagoo ay dhibaato badan ay heysato, waana dad aan qalbiga ka jecelnahay oo aan qalbiga ka ognahay.”

Intaas kadib madaxweyne ku xigeenkii Turkiga ayaa istaagay oo sacbiyay, waxaana la kacay dhammaan masuuliyiintii kulanka kasoo qayb gashay oo iyagana bogaadiyay taageerada ay dadka Soomaaliyeed u hayaan reer falastiin, sida uu wareysigaan ku sheegay Wasiirkii hore Macdanta iyo Batroolka Galmudug Cabdulqaadir Jantalmaan.

Kulankii ducada ayaa soo idlaaday, Ismaaciil Haniya ayaa fadhigoodii ugu yimid labadii masuul ee Soomaaliya ka socday, isaga oo yiri “ha iga teginina waan sheekeysaneynaa.”

Wasiir Jantalmaan waxa uu sheegay inay israaceen Ismaaciil Haniya, isagoo gacanta ku dhegan ayuu galay qol yar, waxaana qolka ku jiray madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Hoggaamiyihii Xamaas Ismaaciil Haniya ayaa madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan u sheegay in labadani masuul ay yihiin walaalaha Soomaaliya.

“Madaxweynaha Turkiga waa uu noo istaagay oo waxa uu yiri, Soomaaliya waa walaalo aad u macaan oo afar boqol oo sano aan saaxiib nahay, kadibna halkaas ayaan ku sheekeysannay inteennii goonida isula soo baxday iyo Madaxweyne Erdogan,” ayuu yiri wasiir Cabdulqaadir Maxamed Siciid (Jantalmaan).

Bayaan ay soo saartay Xarakada Xamaas ayaa lagu xaqiijiyey in Sheekh Ismaaciil Haniyeh lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaadday hoyga uu ka deggenaa caasimadda Iiraan ee Tehran, kadib markii uu ka qayb galay xafladdii caleema saarka madaxweynaha cusub ee Iran Masoud Pezeshkian.

Dowladda Soomaaliya ayaa safka hore uga jirta dalalka ka tacsiyeeyay dilka Ismaaciil Haniya, waxaana xusid mudan in dadka Soomaaliyeed ay marar badan dhigeen dibad-baxyo lagu taageerayo shacabka Falastiin, loogana soo horjeedo duqaymaha ay Israa’iil ka wado Qasa.

Sidoo kale culimada Soomaaliyeed oo afar maalmood uu shir sanadle ah Muqdisho uga socday ayaa tacsi ka soo saartay geerida Sheekh Ismaaciil Haniya, hoggaamiyihii Xamaas oo ahaa wadaad ahlu diin ah oo xaq u dirir ah.

Maraykanka iyo Ruushka   2da Agoosto 2024 Maraykanka iyo Ruushka ayaa is-weydaarsaday in ka badan 20 maxbuus oo ay iska kala hayeen qaarkoodna laga sii daayay xabsiyo ku yaalla Yurub, taasoo ka dhigtay is-weydaarisigi ugu ballaarnaa oo ay labadan dal sameeyaan tan iyo burburki Midowgii Sofiyetka.

Heshiiskan caalamiga ahaa oo ay ku lug lahaayeen dhowr waddan, ayuu Ruushka kusoo daayay Evan Gershkovich, oo ah saxafi u shaqeeya wargeyska The Wall Street Journal iyo Paul Whelan oo Maraykan ah, iyo Vladimir Kara-Murza, oo ka mid ah dadka sida weyn u naqdiya Putin, balse heysta deganaashaha Mareykanka.

Maxaabiista ay Moscow sii deysay ayaa waxaa sidoo kale ku jirta, Alsu Kurmasheva oo ah wariye u shaqeysa warbaahinta Radio Free Europe/Radio Liberty, oo mataan la ah VOA. Alsu ayaa isku heysata dhalashada Ruushka iyo Mareykanka.

Oleg Orlov, oo ah rug-caddaa muddo u ololeynayay xuquuqda aadanah Ruushka iyo Ilya Yashin, oo si aada u diiday duulaanka Ruushka ee Ukraine ayaa ka mid ahaa dadka laga sii daayay xabsiyada Ruushka.

Dhanka Ruushka, maxaabiista loo sii daayay waxaa ka mid ahaa Vadim Krasikov, oo sannadki 2021-ki lagu xakumay dalka Jarmalka, kaddib marki lagu eedeeyay inuu xaddiiqad ku taallo magaalada Berlin ku dilay, sarkaal horay uga tirsanaa jabhaddii Jeejniya ee Ruushka. Vadim ayaa lagu xakumay xabsi daa’in.

Ruushka waxaa kaloo loo gacan geliyay saddex nin oo ku jiray xabsiyada Mareykanka oo uu ku jiro Roman Seleznev, oo ku eedeysnaa inuu hadda ka hor usoo dhacay kambayuutarrada dowladda Mareykanka. Slovenia, waxay sii deysay laba nin oo ku eedeysnaa jaajuusnimo.

Madaxwenaha Mareykanka Joe Biden ayaa is weydaarsiga maxaabiista ku sheegay mid ku yimid heshiis adag. Wuxuu kaloo tusaale awood badan ku sheegay sababta ay muhiim u tahay in saaxibbo lagu yeesho dunida.

Muqdisho  2da Agoosto 2024 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo xalay casho sharaf ku maamuusay culumaa’udiinka ka qayb-galay shirweynaha labaad ee culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa la dardaarmay culimada.

Madaxweynaha ayaa soo dhoweeyay war-murtiyeedka ka soo baxay shirweynaha culumaa’udiinka, isaga oo kula dardaarmay in ay xoojiyaan midnimada dhexdooda ah, si loo helo midnimo Soomaaliyeed oo waarta.

Madaxweynaha ayaa uga mahad-celiyay culumaa’udiinka sida midnimada leh ee ay dowladda ugu garab istaageen ilaalinta Diinta, dhaqanka suuban iyo nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Waxa uuna ku booriyay in ay adkeeyaan doorkooda ku aaddan jiheynta ummadda, adkaynta dowladnimada, horumarinta dalka iyo wacyi galinta bulshada.

“Culumaa’udiinka Soomaaliyeed waa hoggaamiyaasha ummadda waxaana la idinka sugayaa in aad dadka u jiheysaan dariiqa nabadda, amniga iyo dowladnimada. Nabad, midnimo iyo horumar ay dadka Soomaaliyeed gaaraan waxa ay ku xiranyihiin in la helo culumaa’udiin Soomaaliyeed oo mid ah,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa culumaa’udiinka ku adkeeyay xoojinta dadaalkooda ku qotoma la-dagaallanka Khawaarijta iyo ka hor tagga afkaSidoo kale wuxuu ku booriyay isku soo dhoweynta bulshada Soomaaliyeed ee ku kala irdhowday colaadaha sokeeye.araha qaldan ee ay faafiyaan.

Muqdisho  2da Agoosto 2024  Dowladda Turkiga ayaa qaadeysa tallaabaddii ugu horreysay kadib heshiiskii shidaal qodista Soomaaliya, ayada oo Soomaaliya usoo direysa markabkeefa sahminta.

Turkish Petroleum oo ah shirkad ay dowladda Turkiga leedahay ayaa lagu wadaa inay toddobaadyo gudahood Soomaaliya usoo dirto markabka Seismic Oruc Reis, si u bilaabo sahminta saddex baloog oo dhowaan laga siiyay xeebaha Soomaaliya.

Wasiirka Tamarta ee Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa shaaciyay in Turkiga markabkan uu Soomaaliya usoo diri doono horraanta October ee sanadkaa, si uu helo xogta seismic ee 3D ee dhulka saliidda iyo gaaska ee gudaha Soomaaliya.

Bayraktar ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in sahanka 3D uu socon doono muddo bilo ah.

Maraakiibta taageerada oo ay ku jiraan kuwa badda ayaa raaci doona markabka Oruc Reis inta uu ku jiro socdaalka Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah heshiis ballaaran oo dhex-maray Ankara iyo Muqdisho, kaasi oo qeyb ka ah difaaca badda iyo tababarada muddo labo sano ah, si loo xaqiijiyo gelitaanka saddex goobood oo sahaminta badda ah.

Heshiiskan ayaa sidoo kale wuxuu xaquuq qaas ah u siinayaa Turkiga inay hydrocarbon oo ah shidaal iyo gaaska dabiiciga ah ka baarto kadib kasoo saarto saddex aag oo kiiba yahay 5-kun kilomitir oo isku wareeg ah.

Labada ka mid ah aagagga ayaa waxay 50 kilimitir loo galayaa badda, halka mid ka mid ahna uu gudaha badda loo aadayo ilaa 100 kilomitir.

WARARKA MAANTA 31ka Luulyo 2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxuuse Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” u diiday inuu sameeyo Maxkmammadda Dastuuriga ah Iyo Maqaamka #Muqdisho? Yaa runta maanta qarin kara? Maxayse tahay sababta uu Madaxweyne Mudane Xassan ugu fashilmay inuu oofin waayey balamaha uu ka qaaday shacabka gudaha iyo dibadda? Yaa diiday inuu ciidan dhiso maanta? Yaa diiday inay shacabka Soomaaliyeed wada noolaadaa? Yaa dastuurka wax ka beddelay oo aan tagi karin Somaliland Iyo meelo badan oo Soomaaliya kamid ah?  Yaa shabaab la shaqaysta? Ha Wiqleyso!

Hirshabelle 31ka Luulyo 2024 Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) oo haatan socdaal ku marayo deegaano ka tirsan Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan maamulkaasi.

Cali Guudlaawe oo gaaray degmada Jalalaqsi aya kaga dhawaaqay inay HirShabelle ka qabanayaan doorashooyin qof iyo cod ah oo shacabka ay ka qayb-galayaan.

Sidoo kale wuxuu shacabka degmadaas ku amaanay sida ay u xaqiijiyeen amniga, taasi beddalkeeda waxa uu sheegay inay gaarsiin doonaan doorashooyin qof iyo cod ah.

Waxaa kale oo uu ballan qaada in bulshada ay u sameyn doonaan mashaariic hormarineed oo waxtar u leh dadka iyo deegaankaba.

Dhinaca kale madaxweynaha HirShabelle ayaa weerar afka ah ku qaaday mucaaradka kasoo horjeeda, wuxuuna tilmaamay in kaliya ay wax kusoo Facebook, sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii aad sidaan amniga u xaqiijiseen ballan waxaa ah inaan annaguna mashaariic fara badan oo ay Ummadda ku faraxdo inaan keeno dadka Facebook-ga wax ku qoraayo waxaan leenahay waxaan arkeena waxa aad keentaan, annagana waxaan qabano ayaa la arki doonaa, bulshada qof iyo cod ayay tagee” ayuu yiri madaxweynaha HirShabelle.

Waxaa kale oo uu bulshada HirShabelle uga mahadceliyay sida ay ugu soo dhaweeyeen deegaanadii uu booqday oo ka kala tirsan Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, wuxuuna intaasi kusii daray in dadaalladiisa horumarineed uu kasii wadi doono halkaasi.

“Guud ahaan Ummadda ku nool HirShabelle waa u mahadcelinayaa, gaar ahaan degmada aan ku suganahay ee Jalalaqsi, waana ku mahadsan tihiin sida aad noo soo dhaweyseen” ayuu mar kale yiri madaxwyene Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli xaalado adag ay ka jiraan HirShabelle, sida arrimaha ammaanka oo sidii la rabay aan ahayn, khilaafaad dhanka maamulka ah, waxaana la is weydiinayaa sida uu go’aankiisa uga dhabeyn karo Cali Guudlaawe.

Muqdisho 31ka Luulyo 2024 Hay’adaha ammaanka dalka Kenya ayaa fashiliyay weerar qorsheysan oo Al Shabaab ay ka fulin lahaayeen deegaanka Alango, oo ku teedsan waddada Gaarisa iyo Dhadhaab ee ismaamulka Garissa.

Kooxda Alshabaab oo isku diyaarinayay inay weerarka qaadaan ayaa waxaa xogtooda helay hay’adaha sirdoonka Kenya. Si kastaba ha ahaatee, ciidamada ammaanka Kenya ayaa fashiliyay qorshahooda, waxaana isla goobta lagu dilay labo ka mid ah xubnaha Al Shabaab, halka kuwa kalena ay baxsadeen iyagoo dhaawac ah.

Hubka laga soo saaray goobta ay weerarka ku qorshaynayeen waxaa ka mid ahaa labo qori oo AK47 ah, sidoo kale 7-majalado, agabka walxaha qarxa iyo agab kale oo kala duwan. Hay’adaha ammaanka Kenya ayaa la sheegay ku raad joogaan Shabaabka baxsadka ah. Dhanka kale, waxaa dadweynaha lagu dhiirigeliyay inay laamaha amniga la wadaagaan xogta dadka la tuhunsan yahay in ay weerarkaas qorshaynayay.

Muqdisho 31ka Luulyo 2024 Wasiirka wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa maanta hortegay guddiga horumarinta adeegga arrimaha bulshada ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo la yeeshay isla xisaabtan adag.

Wasiirka ayaa waxaa su’aallo adag laga waydiiyay arrimaha waxbarashada dalka iyo imtixaanaadka qaran ee ay qaado dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale wasiirka ayaa wax laga waydiiyay arrinta Puntland oo iyadu siyaasad ahaan ay kala tageen federaalka, isla markaana ay saameysay wada shaqeyntii labada dhinac.

Mid kamid ah xildhibaannada ayaa waydiiyay wasiirka “Waay arrimaha siyaasadeed oo aan weli dhamaan arday Soomaaliyeed fursaddiisa waxbarasho ugu waayayaa?”.

Wasiir Faarax ayaa ku jawaabay “Arrinta ku saabsan shahaadada la siiyo ardayda Puntland iyo Somaliland waxay lamid yihiin ardayda kale ee jooga qaybaha kale ee dalka, laakiin waxaa caqabad ku ah mas’uuliyiinta maamulladaas oo hortaagan”.

Waxaa kale oo uu dalbaday in fursad loo siiyo wasaaradda waxbarashada inay xafiisyo ka furatoGaroowe iyo Hargeysa, si ay shahaadada halkaas uga qaataan ardayda jooga.

“Waxaan jeclaan lahayn in fursad naloo siiyo in xafiiska wasaarada waxbarashada Garoowe ku yaalla ama Hargeysa ku yaalla la ogolaado in laga bixiyo shahaadada waxbarashada ee dowladda federaalka si aana ardayda ugu dhibaatoonin inuu halkan kasoo doonto” ayuu mar kale yiri wasiirka waxbarashada xukuumadda Soomaaliya.

Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sidoo kale Puntland iyo Somaliland ku eedeeyay in ay culeysyo fara badan saaraan ardayda, ayna ka qaadaan lacago aan laga qaadin ardayda kale ee Soomaaliyeed.

“Nasiib darro dadka mas’uuliyiinta ka ah meeshaas ayaa hor istaagay, intaas waxaa sii dheer iyaga shahaadooyin ayay siiyaan ardayday imtixaanka ayay lacag ka qaadaan oo aan laga qaadin ardayda kale ee gobollada kale jooga, shahaadada ayay lacag ka qaadaan oo aan la qaadin, markaas ayaa laga yaabaa inuu ardayga usii baahdo tii federaalka inuu sii qaato, waxaas oo dhan waxaan aaminsanahay in culeys aanu ka qaadi lahayn ardaygaas maskiinka ah inay tahay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Jubbaland 31ka Luulyo 2024 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda XFS Xamsa Cabdi Barre oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa safar ku tegay deegaano dhowaan laga xoreeyey Khawaarijta Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeer ugu tegay Ciidamada Qaranka iyo Daraawiishta Jubbaland ee ku sugan deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo dhawaan jab xooggan gaarsiiyey Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaaraha oo ciidanka la hadlay ayaa bogaadiyey sida nafhurnimada leh ee Ciidamada Soomaaliyeed ay argagixisada uga xoreynayaan dalka.

Xamsa Cabdi Barre ayaa ku dhawaaqay in dowladdu ay siinayso abaalmarin lacageed oo la guddoonsiinayo ciidamada Birjeex ee ku jabiyey Khawaarijtii ku dhuumaaleysa jirtay deegaannada Jubaland.

“Waad cibaadeysateen maxaa yeelay waxaad layseen kuwii uu suubaneheenu na faray in la laayo oo la burburiyo, waxaad ka farxiseen muslimiinta, waxaad rubadda goyseen Khawaarijtii ay ummadda Soomaaliyeed necbaayeen,” ayuu yiri.

Ra’iisul wasaaraha oo sii hadlayey ayaa yiri, “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in khawaarijta dalka laga xorreeyo oo la tirtiro, in badan oo kamid ah dalka waa laga xaaqay oo ay kamid tahay Buulo-Xaaji

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in guushan ay ka marqaati kacayso tayada iyo awoodda Ciidamada Soomaaliyeed iyo dadaalka ay dowladdu ku bixinayso dib u dhiskooda.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa xusay muhiimadda ay leedahay garab istaagga iyo wadashaqeynta shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan ciidamada, dowladduna ay deegaannada la xorreeyey geyn doonto adeegyada asaasiga ahaa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka duulaysa in gurmad iyo gargaar deg-deg ah la gaarsiiyo bulshada ku nool deegaannada laga xoreeyo Khawaarijta, ayaa waxa ay hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka SoDMA gaarsiisay raashin 900 oo qoys oo ku nool deegaanka Buullo-Xaaji, taas oo qayb ka ah qorshaha safarka Ra’iisul Wasaaraha ee Jubbaland.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha, ayaa waxaa kamid ah Wasiirro ka tirsan Xukuumadda heer federaal iyo heer dowlad goboleed, Xildhibaanno, taliyeyaasha ciidanka X.D.S, Boliiska iyo haween matalayey ololaha Hooyo u hiili Qaranka oo gaarsiiyey ciidanka sahay dhan 5,340 oo isugu jira buskut, timir iyo kalluun.

Iran  31ka Luulyo 2024  War uu goor dhaw uu baahiyaya telafishanka qaranka Iran oo ay soo xigteen wakaaladaha wararka ee AP iyo Rueters ayaa sheegaya, in hogaamiyaha ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta Ismaaciil Haniya lagu dilay Tehran, aroornimadi hore ee Arbacada maanta.

Bayaan isna kasoo baxay Xamaas, ayaa lagu xaqiijiyay in Ismaaciil Haniyah lagu khaarijiyay caasimadda Iran.

Xamaas ayaa sidoo kale ka tacsiyeeysay dilka hogaamiyahooda, iyaga oo bayaankooda ku sheegay in Haniyah lagu dilay weerar ay ku sheegeen in Sahyuuniyadda ay ku qaadday gurigi uu ka deganaa Tehran.
Haniyah ayaa Talaadadi shalay ka qeybgalay munaasabaddi dhaarinta madaxweynaha cusub ee Iran.

Ma jirto cid sheegatay ilaa iyo hadda mas’uuliyadda dilka Ismaaciil Haniyah, hase yeeshee horay ayay Isra’il wacad ugu martay in ay dili doonto madaxda ururka Xamaas.

Ismaaciil Haniyah, oo ah hogaamiyaha siyaasadda ee ururka Xamaas, ayaa ka tagay Marinka Gaza, sannadki 2019-ki, wixi markaasi ka danbeeyay wuxuu magangalyo ku deganaa waddanka Qatar.

Muqdisho 31ka Luulyo 2024 Weriye Cabdulqaadir Ciise oo Warbaahinta Qaranka u qaabilsan soo tebinta wararka maxkamadda ciidamada ayaa qoraal cusub ka soo saaray khilaafkii uu baraha bulshada horay ugu faafiyey ee kala dhexeeyey madaxda wasaaradda warfaafinta, gaar ahaan Wasiir Al-Cadaala.

Weriye Cabdulqaadir ayaa soo saaray qoraal uu ciwaan uga dhigay “Cudur-Daar” oo madaxda wasaaradda warfaafinta uu ku raali geliyey, isagoo codsaday in laga gudbo wixii dhex maray isaga iyo saaxiibadiisa shaqada.

Cabdulqaadir Ciise ayaa horay u baahiyey muuqaalo iyo qoraalo uu ku weeraray masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiir ku xigeenka warfaafinta Al-Cadaala, waxaana xusid mudan in wixii ka dambeeyey markii khilaafkaasi uu soo if-baxay aan warbaahinta dowladda laga sii deyn warbixinadiisa oo shaqo joojin lagu sameeyey

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdulqaadir Ciise oo dhameystiran:

Cudur-Daar.

Shaqa kastaahi ee la qabto waxa ay leedahay Dul-duleel iyo cabasho, kala duwanaashahana waa sunna kowni ah, sidaas darteed ayaa nala faray hadii Khilaaf jiro inaan ula laabano kitaabka iyo sunnada.

Sidaas oo kale hadii xeendaabka dowladnimo uu farqi ka Jiro waxaan leenahay heshiisya qoran oo nakala xadeeyo iyo hogaan aan u daba fadhino, waxaan aqbalsanahay toosinta madaxdeyda.

Wax kasto ee na kala gaaray saaxiibadeyda shaqada iyo madaxda wasaaradeyda warfaafinta waan ka garaabayaa, waxaana leeyahay nin wayn oo haftay aan ahee yaan la ii qaban.

Ugu dambayn waxaan ballan-qaadayaa in howlaheyga tabinta ee fariimaha dowladnimada aan Baaqi kusii ahaan doono.

#WarbaahinQara

WARARKA MAANTA 30ka Luulyo 2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Meeqo lacag laaluush ah ayuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye ku bixiyey in warbaahinta ay qariso runta iyo musuqmaasuqa dowladda uu hoggaaminaayo”? Maxay golaha xildhibaanada si cad ugu weerareen Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Maxuu yahay musuqmaasuqa lagu eedeeyey Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Maxuuse Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” u diiday inuu sameeyo Maxkmammadda Dastuuriga ah Iyo Maqaamka #Muqdisho? Yaa runta maanta qarin kara? Ha Wiqleyso!

Muqdisho  30ka Luulyo 2024 Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo dhiggiisa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka wada hadlay arrimaha labada dal, gobolka iyo guud ahaan caalamka, sida ay sheegtay maamulka Isgaarsiinta Turkiga “Intii lagu guda jiray wada hadalka, Madaxweyne Erdogan ayaaa muujiyay muhiimadda ay Turkigu siinayso midnimada dhuleed ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka xafiiska isgaarsiinta.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in taageerada Soomaaliya ee la dagaalanka argagixisada ay sii socon doonto, Turkiye-na ay sii wadi doonto dadaallada dhex dhexaadinta ah ee lagu xallinayo khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Xidhiidhka labada dhinac ayaa sii xumaaday tan iyo markii ay Itoobiya heshiis deked ah la gashay maamulka Somaliland 1-dii Jannaayo.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyo badan, gaar ahaan tamarta iyo difaaca uu sii wadi doono in uu hore u sii socdo.

Dhawaan, baarlamaanka dalka Turkiga ayaa meel mariyay mooshin uu Turkigu ciidamo ugusoo diridoono biyaha Soomaaliya, kaasoo qeyb ka ah iskaashiga difaaca labada dal.

Soomaaliya ayaa doonaysa inuu Turkiga ka caawiyo amniga baddeeda, iyo dhismaha ciidamada qaran ee ilaalada badda Soomaaliya.

Maraykanka 30ka Luulyo 2024 Musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee Donald Trump ayaa markale u muuqday inuu isku khalday labada gabdhood ee xisbiga Dimuqraadiga ee kala ah Ilhaan Cumar oo laga soo doorto Minnesota iyo Rashida Tlaib oo laga soo doorto Michigan.

Labadan gabdhood ee Congress-ka ku jira, oo labaduba ah labadii haween ee Muslim ahaa ee ugu horreeyay ee taga Congress-ka, ayaa ah aas-aasayaasha xubnaha “Squad”, oo ah koox aan rasmi ahayn oo xubno ka tirsan Aqalkaasi samaysteen sannadkii 2019.

Khudbaddiisii habeenkii Sabtida ayuu Trump ku khalday dhacdooyinka ku lug lahaa Tlaib, Ilhaan Cumar, isaga oona xilligaa yidhi, “Ilhaan Cumar, waxa ay ka soo qayb gashay hadal aan jeedinayey markii ugu horreysay ee aan tartamayey, waxa ay ka mid ahayd dhegeystayaashii.”

Waxa uu intaas kusii daray “Xilligaas way qaylinaysay, waxa aanan idhi ‘waa ayo qofkani’ saw waa isla qoftii waalan ee aan habeen kasta hadda hadalkeeda daawado.”

Trump ayaa ku eedaynaya in hore ay u taageeri jirtey haddana ay isaga ka soo horjeeddo.

Waxa uu ku celceliyay dadkii isku soo baxay, “Anigoo qudbad jeedinaya, dad badan ayaanu joognay, way kacday oo qaylisay, waxaan ku idhi naagtaasi waa waalan tahay, way waalan tahay”.

Qaybta hadalkaas ee Trump ayaa aad loogu baahiyey barta X, ee hore u ahaan jirtay Twitter, iyada oo isticmaalayaashu uu ka mid yahay Acyn, oo ah tifaftire sare oo ka tirsan warbaahinta bidixda u janjeedha ee MeidasTouch, ayaa muujiyey in Trump uu ku jahawareeray oo uu isku khalday labada haween ee Congress-ka ka wada tirsan.

“Ma hubo in uu halkan ula jeeday qof kale,” Acyn ayaa qortay.

Dhanka kale, Trump ayaa mar sii horeysay ku sifeeyey Ilhaan Cumar inay tahay taageere “argagixisanimo’, wuxuuna ku andacooday inay “neceb tahay Maraykanka”.

Trump ayaa inta badan dhaliilo kala duwan u jeediya kooxdaas haweenka ah.

Waxaana aad loo xasuustaa 2019 mar uu farriin xilligaas ku soo qoray barta Twitter isaga oo ku dooday inay “ku noqdaan oo ay gacan ka geystaan hagaajinta gebi ahaanba qaran jabnimada iyo dembiyada laga gelayo meelihii ay ka yimaadeen.”

Faallooyinkiisaas ayaa kiciyay waagaas dad isugu soo baxay North Carolina oo ku dhawaaqayay “dib u celiya!” una jeeday in masuuliyaantaas dalka laga saaro.

Xubnahan haweenka ah ee garabka bidix, oo tan iyo markaa sii ballaadhanayey oo haatan gaaraya sagaal, ayaa aad uga soo horjeeda Trump iyo hadalladiisa.

Sannadkii 2020, Ilhaan Cumar waxa ay Trump ku tilmaantay hadal u dhignaa “Kaliya maaha cunsuri, laakin waa cunsuri isir-nacayb ku jiro, sababta oo ah kama soo horjeedo dadka dalkan yimid, kaliya wuxuu ka soo horjeedaa soo galootiga aniga oo kale ah”.

Muqdisho  30ka Luulyo 2024 Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya Cali Yuusuf (Cali Xoosh) ayaa golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka ka dalbaday inay soo fara-geliyaan khilaafka dowladda dhexe iyo maamulka Puntland.

Wasiirka ayaa sheegay in Aqalka Sare laga doonayo in arrinta dowlad-goboleedka Puntland door fir-fircoon ka qaataan, maadaama si toos ah u metalaan dowlad-goboleedyada, si xal loogu helo tabashada ay qabto dowlad-goboleedkaas.

“Puntland way carootay iskumana aanay dayin oo caro ayay ku maqan tahay ee Aqalka Saroow naga hormara idinka hala idin aqbalo,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha oo hortegay golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya

Khilaafka madaxweyne Xasan Sheekh iyo Saciid Deni oo loo rogay mid u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamulka Puntland ayaa salka ku haya dano shaqsi ah, iyada oo labada nin ay aad u kala fogaadeen tan iyo markii la magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, oo la sheegay inuu Deni si weyn u daneynayey.

Sidoo kale waxaa xiisadda uga sii darey tallaabooyinkii u dambeeyay ee Villa Somalia, oo ayadu baarlamaanka marsatay cutubyo kamid ah dastuurka, oo loo dhigay sida ay rabto, kuwaasi oo meesha ka saaraya hanaankii hore ee doorashooyinka dalka.

Puntland ayaa tan iyo markaas sheegtay inay si madax-banaan u dhaqmeyso inta laga dhameystirayo dastuurka ku-meel gaarka ah ee Soomaaliya, ayada oo eedeymo dhowr ah u jeedisay dowladda federaalka.

Inkasta oo ay socdaan dadaallo ay wakiiladda caalamka ku doonayaan in miiska wada-hadalka la isugu keeno madaxweyne Xasan Sheekh iyo Saciid Deni, haddana ma jiro illaa hadda wax isku dhowaansho ah oo labada dhinac ah.

Somaliland 30ka Luulyo 2024  Hay’adda Sirdoonka Somaliland ee NIA ayaa sheegtay inay qabatay xubno ka tirsanSidoo kale waxaa lagu yiri qoraalkan oo lasoo dhigay barta X (ex-Twitter), “Laba ka mid ah xubnahaas waa la xiray, halka lix kalena lagu dabo jiro.”

Sirdoonka Somaliland ayaa ku daba jira xubno kale oo ka tirsan hay’adda NISA oo howl-gallo loogu soo direy Somaliland, kuwaas oo qeyb ah ka ah xubnaha la qabtay, sida ay sheegtay NIA.

Sirdoonka Somaliland ayaa sidoo kale farriin u direy bulshada reer Somaliland, “ciidanka sirdoonka Somaliland waxay ku baaqayaan haddii falal iyo ashqaas laga shakiyo in lagu soo wargeliyo.”

 hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka ee NISA.

Xubnahan oo laba ah ayuu sheegay sirdoonka Somaliland in falal qorshaysan loogu talo-galay inay ka fuliyaan magaalada Boorama ee gobolka Awdal, kuwaasi oo Muqdisho laga soo direy.

Qoraal kooban oo kasoo baxay hay’adda sirdoonka Somaliland ee NIA ayaa waxaa lagu yiri “NIA waxa ay gacanta ku dhigtay koox ka tirsan NISA oo howl-gallo looga soo diray Muqdisho ku saabsan inay qas ka abuuraan Somaliland iyo dilal qorshaysan gaar ahaan Boorama.”

Hay’adda sirdoonka Somaliland ayaa bilihii u dambeeyay soo xirtay kooxo iyo dad lagu eedeeyay inay qorshaynayeen falal lidi ku ah amniga ay ku naalooto Somaliland, kuwaas oo ay qeyb ka ahaayeen ajaanib.

Muqdisho  30ka Luulyo 2024 Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa daah-furay dib-u-howlgelinta adeegyadii hore ee dad-Dhigidda dowladda hoose ee Xamar, taasi oo muddo 34-sano ah aan loo qaban shacabka.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in shacabka ay hada kadib heli doonaan adeegyadii loogu bartay waaxda dad-dhigidda dowladda hoose ee Xamar oo ay ka mid tahay diiwaan-gelinta caruurta ku dhasha isbitaalada, helida shahaadada guurka iyo shahaadada furiinka.

Tan ayaa qeyb weyn ka qaadaneysa gaarista diiwaan-gelin sax ah oo ay yeeshaan shacabka Soomaaliyeed, taasi oo muddo 34-sano ah aan loo qaban shacabka

“Qof kasta oo mas’uul ah marka uu meel yimaado waxa uu leeyahay Yool, Istaraatiijiyaddeyda waxaa kamid ah in la helo adeegyada Bulshadu u baahan tahay, warqadda qoyska waxa ay ahaan jirtay ama Adduunka ka tahay wax qoyska la nool maalinta uu dhasho ilaa maalinta uu ka dhimanayo,” ayuu yiri Yuusuf Madaale.

Sidoo kale waxa uu sheegay in nikaaxa iyo furiinka kahor burburkii uu ahaa mid maxkamad loo aado, si aanay dayac ama mas’uuliyad darro uga dhicin ubadka qoyska, isaggoo tusaale usoo qaatay carruurta darbi-jiifka ah iyo kuwa lagu tuuro waddooyinka qaar, oo uu sheegay in aysan sidaas ahaan laheyn haddii ay jiri laheyn arrintaan.

“Waxaan soo marnay marka aad rabtid in aad kala tagtaan gabadh aad qabtay in Maxkamad la tago oo furiinku ma fududeyn mana lagu degdegi jirin, waxyaabaha dayaca carruurta darbi-jiifka ah u wacan waxaa sababa in warqadda nikaaxa iyo furiinka la’aantood,” ayuu hadalkiisa sii raaciyDowladda hoose ee Xamar ayaa waxaa horyaalla bixinta adeegyo badan oo baahiyo gaar ah u qabaan bulshada, dad qaar ayaa soo jeediyay in iyada oo la eegayo dhaqaalaha dalka iyo xaaladaha gaarka ah in la dabciyo qiimaha ku baxaya adeegyadan.ay guddoomiye Madaale.

WARARKA MAANTA 29ka Luulyo 2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxuu ka fashilay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Maxuuse Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” u diiday inay shacabka #Muqdisho samaystaan #Maqaamka #Muqdisho? 

Ha Wiqleyso!

Puntland 29ka Luulyo 2024 Ciidanka Booliska gobolka Mudug ayaa gacanta ku soo dhigay eedaysane loo haysto dilka macalin reer Boorama.

Taliska ciidanka booliska ayaa sheegay in ninkan lagu soo qabtay howl-gal ay ciidamada ka sameeyeen sameeyeen degaanka Seemade oo ka tirsan degmada Jariiban.

“Ciidanka Booliska gobolka Mudug ayaa howlgal ay sameyeen gacanta kuso dhigey eedaysane dil ka gaystay deegaanka Seemade degmada Jariiban ee gobolka Mudug,” ayaa lagu yiri qoraalka taliska booliska gobolka Mudug

Eedaysane Axmed Maxamuud Maxamed ayaa loo haystaa in uu Jimcihii 26-ka July dil u geystay marxuum Macallin Xamae Muuse Ducaale, oo kasoo jeeda gobolka Awdal, gaar ahaan Boorama, sida ku cad qoraalka taliska booliska gobolka.

“Eedaysanahan oo lagu magacaabo Axmed maxamud maxamed ayaa Maalinkii Jumcaha ee 26 July. Dil ugaystay Allaha unaxariistee Marxuum Macalin Xamse muse Ducale,” ayaa markale lagu yiri qoraalk kasoo baxay booliska.

Waxa uu intaas kusii daray “Eedaysanaha ayaa hada ku jira gacanta ciidanka Booliska waxaana lageeyay Xabsiga dhexe ee magalada Galkacyo.”

Taliska ayaa ugu dambeyntiina u mahad-celiyay ehelka eedaysaha iyo odayaasha deegaanka oo door muhiima kulahaa soo qabashada eedaysanaha kuna gacan siiyay ciiddanka booliska.

Muqdisho 29ka Luulyo 2024 Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa bilowday maxkamadeynta nin agaasime ka ahaa mid ka mid ah wasaaradaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, kaas oo loo heysto inuu la shaqeeyey Khawaarijta Al-Shabaab.

Ninkaas oo lagu magacaabo Cabdinuur Fooley ayaa loo heystaa inuu akoon u furay kooxda Al-Shabaab oo u soo dhexmartay nin ay qaraabo yihiin, balse hadda uusan garaneyn meel uu jiro.

Guddoomiyaha Maxkamadda Salax Dabaan ayaa su’aalo adag weydiiyey Agaasimaha lasoo taagay maxkamadda, balse wuxuu ku guul dareystay inuu iska furto kiiskaan adag ee uu ku jiro.

Cabdinuur ayaa xitaa garan waayey abtiriska ninka uu sheegay inay qaraabo yihiin oo Akoon uu uga furay Salaam Bank.

Dowladda ayaa ogaatay in akoonkaas la marsiiyey lacag badan oo Shabaab ay leeyihiin, ayaa Baydhaba ka soo qabatay Agaasime Cabdinuur oo maxkamadeyntiisu ay ka socoto Muqdisho.

Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa eedeysanaha weydiiyey halka uu ku nool yahay ninka uu akoonka u furay ee qaraabada ay yihiin, wuxuuna ku jawaabay in markii ugu war-dambeysay uu ganacsi ku leeyahaa deegaan hoos taga degmada Diinsoor ee gobolka Bay.

Sidoo kale waxaa la weydiiyey magaca ninka uu akoonka u furay ee qaraabadiisa uu ku sheegay, balse wuxuu garan waayey magaca dhameystiran iyo halka ay qaraabo ka noqdeen.

Maxkamadda ayaa la horkeenay cadeymo sawirro wata oo muujinaya nin agaasime Cabdinuur uu qaneecadiisa ku furay akoonkaas ay Shabaab lacagaha ku shubteen, balse maanta uusan garaneyn ninkii uu u furay.

Muqdisho 29ka Luulyo 2024 Gudiga fulinta ee ciyaaraha fudud ayaa kulan ay yeesheen waxaa ka soo baxday in shaqo joojin lagu sameeyo guddoomiyihii ciyaaraha fudud ee Soomaaliya Faarax Cali Macalin.

Guddoomiye Faarax oo hadda howlo shaqo u jooga dalka Faransiiska  gaar ahaan caasimaddiisa Paris, ayaa shaqada laga joojiyey kadib markii ay arrintiisa ka fariisteen xubno guddi ah.

Faarax Cali Macallin oo ku sugan Paris ayaa u waramay idaacadda VOA, wuxuuna kq jawaabay xil ka qaadista lagu sameeyey, sidoo kale wuxuu faahfaahin ka bixiyey  sida ay howlaha ciyaaraha Olombikadu uga socdaan magaalada Paris iyo ka qeybgalka Soomaaliya ee ciyaarahaasi.

Guddoomiye Faarax ayaa sheegay in isagoo shaqo ku maqan ay inqilaabeen xubno ka tirsan guddiga, balse wuxuu ku dooday in sharciga ay ku shaqeeyaan uusan dhigeyn sida ay wax u dhaceen, isagoo tallaabadii shaqada looga joojiyey ku tilmaamay dhabarjebin ku tahay dadaalka Soomaaliya ay ku bixineyso inay natiijo ka gaarto ciyaaraha Olonbikada ee Paris ka socda.

Mustaf Cabdicasiis Maxamed ayaa laga dhigay sii hayaha guddoomiyaha xiriirka ciyaaraha fudud oo sidoo kalena ah ku xigeenka guddoomiyaha guddiga.

Xiriirka ciyaaraha fudud ee Soomaaliya ayaa ciyaartoy u diray magaalada Paris ee dalka Faransiiska, halkaas waxay uga qeyb gelayaan ciyaaraha caalami ah ee Olombikada, ku simaha guddoomiyaha ayaa la weydiiyey sida lagu soo xulay ciyaartoydaan iyo howlaha horyaalla.

Guddoomiyaha shaqada laga jooyey ee Faarax Cali Macalin ayaa hogaaminaya ciyaartooyda Soomaaliya ee ka qeybgaleysa ciyaaraha Olombikada ee Paris ka dhacaya.

Muqdisho 29ka Luulyo 2024 Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Axaddii shalay sheegay, in laga yaabo in Turkiga uu gudaha u galo Isra’il, si la mid ah sidi ay horay uga sameeyeen Liiniya iyo Nagorno-Karabakh, balse ma uusan faah-faahin nuuca ay noqon doonto faragelinta uu soo hadal qaaday.

Erdogan, oo si aada u dhaleeceeya duullaanka ay Isra’il ku qaadday Gaza, ayaa hadalkaan jeediyay xilli uu ka hadlayay horumarka uu dalkiisa ka sameeyay wax soo saarka qalabka difaaca.

“Waa inaan aad u xoog banaanno si aysan Israa’iil wax yaabahan lagu qoslo uga sameyn Falastin. Sidi aan u galnay Liibiya iyo Karabakh, waxaa dhici karta inaan si la mid ah iyaga ku sameyno,” Ayuu Erdogan u sheegay mudanayaal ka tirsan xisbigiisa AK oo uu kula kulmay magaalada uu asal ahaan kasoo jeedo ee Rize.

Erdogan ayaa intaasi ku daray “in aysan jirin sabab aysan taasi u sameyn karin, balse ay tahay in ay awood muujiyaan si ay tallaabadaasi u qaadaan.
Wakiillada xisbiga AK Party ayaanan ka jawaabin faah-faahin arrintan ku aadan oo ay weydiisay wakaaladda wararka ee Rueters, Israa’iil ayaa iyaduna aanan wax war ah kasoo saarin arrintan.

Madaxweyne Erdogan u muuqday in uu tixraacayay faragelinti uu horay Turkiga uga sameeyay Libya iyo gobolka Nagorno-Karabakh ee ay isku heystaan Azerbaijan iyo Armenina.

Sannadki 2020-ki, Turkiga ayaa ciidamo millatari ah u diray Libya, si ay u taageeraan dowladda uu caalamka aqoonsanyahay ee Libya.

Turkey horay ayay u beenisay in ay si toos ah uga qeybgashay howlgallada millatari ee ay ciidanka Azerbaijan ka sameeyeen gobolka Nagorno-Karabakh sannadki hore, balse marki danbe sheegtay in ay dhan walba ka taageertay Azerbaijan sida tababarka milatariga iyo saanadaha millatari.

Muqdisho 29ka Luulyo 2024 Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyey mooshin ka yimid madaxweyne Erdogan, kaasoo askar milateri ah loogu daabulayo Soomaaliya muddo laba sano ah, si ay gacan uga gaystaan amniga, gaar ahaan la-dagaalanka argagixisada iyo khataraha kale, sida ay labada dal ku wada gaareen heshiis iskaashi difaac ah.

Mooshinka oo uu saxiixay madaxweyne Racep Tayyip Erdogan ayaa waxa uu sheegayaa in Turkigu uu ciidanka Soomaaliya u fidinayo tababar, kaalmo iyo talo muddo 10 sano ah, si loo xaqiijiyo amniga, deganaanshaha iyo dib u qaabaynta ciidanka qaranka.

Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyey mooshinkaas oo ka yimid madaxweyne Erdogan, kaasoo askar milateri ah loogu daabulayo Soomaaliya, sida ay qortay warbaahinta ku hadasha afka dawladda Turkiga wuxuu mooshinkaan iftiiminayaa in tan iyo 2009 ay milateriga Turkigu si firfircoon uga qayb qaadanayeem taageerada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo burcad-badeedda iyo falalka argagixiso ee gacanka cadmeed, meelaha ka baxsan xeebaha Soomaaliya, sida badda Arabiya iyo gobollada u dhow-dhow.

“Hadafka ayaa la jaanqaadaya qorshaha horumarinta amniga Soomaaliya ee lagu qaatay shirkii amniga ee Soomaaliya ee Turkiga uu ku martigeliyey New York 12 Diseembar 2023, waxaana looga gol leeyahay in Soomaaliya mustaqbalka dhow si buuxda u qaaddo mas’uuliyadda amnigeeda” ayaa lagu yiri qoraalka warbaahinta Turkiga.

Cabdirashiid Xaashi oo agaasime ka soo noqday machadka Cilmibaarista ee Heritage, horena cilmi baaris ugu sameeyey arrintan ayaa sheegay in heshiiskii amniga ee dhawaan dhex maray Soomaaliya iyo Turkiga iyo isku soo dhawaanshaha labada dal ee dhowr iyo tobankii sano ee u dambeeyey uu fursad weyn siinayo ganacsatada Turkiga iyo guud ahaan dowladda Turkiga oo Afrika ka soo geli karta Soomaaliya.

“Xiriirka labada dal markii uu billowday waxaan ahaa cilmi baare, Turkiga 2011 waan waraystay, ganacsatadooda waxay igu yiraahdeen ‘waxaan rabnaa in Soomaaliya ay noqoto halka aan Afrika ka soo galayno, maadaama aan haysano badeecad ka jaban tan Yurub, kana tayo fiican tan Shiinaha’ maadaama Soomaaliya ay xilligaas dhibaato ka jirtay, markii aan u baahannayna ay noo yimaadeen, hadana ay xerada ugu weyn ku leeyihiin Soomaaliya in ay ciidanka nala dhisaan, baddana nala waardiyeeyaan, cid uga xanaaqi karta ma jirto,” ayuu yiri Cabdirashiid Xaashi.Ciidanka Turkiga ee imaanaya Soomaaliya wuxuu Cabdirashiid Xaashi oo u waramay BBC ku xiray sida ay noqon doonaan danaha istaraatijiyadeed ee Turkigu uu ka leeyahay Soomaaliya, isagoo carrabka ku dhuftay in Soomaaliya ay ka codsatay inay ‘in badda looga difaaco cadowga iyo qulqulatooyinka kale’ isla markaana uu horay u jiray heshiis dhaqaale oo labada dal ka dhaxeeya.

Maadaama dhanka Turkiga laga ansixiyey heshiiskii labada dal, horayna baarlamaanka Soomaaliya uu u ansixiyey, waxaa hadda bilaabanaya dhaqan-gelintiisa, waxaana Soomaaliya ku soo wajahan maraakiib dagaal iyo kuwo baaritaan ku sameynaya shidaalka ceegaaga badda Soomaaliya.

Sidoo kale ciidamada Turkiga ayaa imaadoona dalka toddobaadyada iyo bilaha soo socda, waxayna saldhigyo ka sameysa doonaan gudaha badda, beriga iyo xeebaha, sida dhulkii Iskuul Buuluusiya ee Muqdisho oo dhowaan qabuurihii ku aasnaa laga soo fagay.

Sidoo kale waxaa jira saldhigyo kale oo xogaha hordhaca ah ay sheegayaan in ciidamada Turkiga ay ka sameysa doonaan Hobyo, Kismaayo, Baraawe, Seylac iyo goobo kale oo istiraatiiji ah oo laga ilaali karo badda Soomaaliya.

Sidoo kale ciidamada Turkiga waxay ka qeyb qaada doonaan dagaalka Al-Shabaab, si gaar ah duqeymaha, tababarrada oo markii horaba socday iyo daboolidda baahiyaha militeri ee ciidamada Soomaaliya ay wajahayaan.

Muqdisho 29ka Luulyo 2024 Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka qayn-galay kulan dood ah oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan canshuuraha dalka, isaga oo runta u sheegay reer Muqdisho.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaca ka qaaday inay been tahay erayada kasoo yeera qaar kamid ah dadka Muqdisho ee ah in canshuurtooda ay cunaan dad kasoo jeedo gobollo kale, wuxuuna dooddaas ku tilmaamay mid uun lasoo dhoo dhoobay.

Xildhibaanka ayaa xusay in shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir ay iyaga cunaan inta badan wixii ay lahayd Soomaali, maadaama xaruntii dalka ay tahay Muqdisho.

“Reer Banaadir hadal aan in badan ka maqlay ayaa jiro inay iska dhaafaana ay u fiican tahay waxaynaa la cunaa, wixiina cid cunto malaha, idinka ayaa waxa Soomaali cuntiin. Qof kasta waxa ay ku leedahay Banaadir waxeeda la cunaa war waxiiina wax cuno maleh” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Horta halis ka daayo ceeb waayay annaga ayaa waxa nagala cunaa dalka hantidiisa annaga ayaa haysano”.

Siyaasigan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in lacag hal bilyan ah ay ku baxdo caasimada, taas oo ka imaada hay’ado kala duwan iyo mashaariicyada horumarinta

“Saddex boqol oo xildhibaan oo hoteello deggan waayay dadka idin la joogo horta siyaasad marka la yiraahdo 1 biliyan ayaa ku baxda Xamar oo ay bixiyaan AMISOM, UNSOM, safaaradaha ajnabiga ah ee jooga, ama mashaariicda horumarinta” ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in kaliya ay Muqdisho u baahan tahay inay yeelato maamul lasoo doorto, si looga gudbo guddoomiye lasoo magacaabay.

“Doodda saxda ah waxaa waayay magaaladan inay yeelato Maayar lasoo doortay iyo hoggaan la doortay,” ayuu sii raaciyay.

Arrinta maqaamka Muqdisho ayaa sidoo kale soo hadal qaaday, wuxuuna sheegay in madaxweyne Xasan ay ceeb ku tahay inuu soo laabashadiisa uu ka gaabiyo arrintaasi.

“Waa ceeb in madaxweyne Xasan Sheekh inta xukunka kusoo laabtay magaaladan oo aan maqaam lahayn uu ka tego, mana ah in nin qabiil kale uu joogo inaan dhahdo magaalada waxay u baahantahay maqaam” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

WARARKA MAANTA 28ka Luulyo 2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Ma aragtaan Wasiir Shabaab ahaa Madaxaa Na Fura Cav=biqaadir oo u jawaabaa Madaxweynihii hore Mudane Shiikh Shariif? Maxuu ku fashilmay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Yaa daroogada khaadka ka ganacsada Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa rag Shabaab ah u magacaabay wasiiro, taliyayaal iyo jagooyin kala duwan u magacaaabay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa hantida dadweynaha booba Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Yaa qabuurihii soo faagay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa noqday madaxweynaha ugu musuqmaasuqa badan Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Maxuuse Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? U diiday in la baaro kiiskii Kornayl Ikraam taxaliil, Xildhibaan Aaamino iyo dad farabadan oo #Muqdisho lagu khaarajiyey? Yaa waxgaradka Soomaaliyeed khaarajiya? 

Ha Wiqleyso!

Muqdisho 28ka Luulyo 2024 Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cadi Barre oo maanta wareegto soo saaray ayaa qaaday tallaabo culus, isaga oo magacaabay wasiiro cusub oo uu ku jiro General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe) oo loo dhiibay xilka Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

Bashiir Goobe ayaa ah ninka ugu darajo sareeyo saraakiisha ciidanka Soomaaliyeed, waxaana ra’iisul wasaaraha lagu dhaleeceeyay in ninkan ayada oo lagu jiro dagaal u magacaabo wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka oo  magaca uun loo bedalay.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Cali Yare Cali oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa su’aal wayn ka keenay arrintan, wuxuuna ka horyimid in Bashiir Goobe loo dhiibo wasaaraddii ay lahaayeen haweenka.

“Waan ayaan-darannahay hadaan cimri ku gaarnay “sarreeye guud isaga oo qudbadeeynaya na leh “annaga oo ah wasaaradda haweenka” ayuu mar kale yiri.

Dhinaca kale waxaa magacaabista Bashiir Goobe iyo xilka loo magacaabay ka dhashay falcelin xoogan oo ay ka sameeyay dadka isticmaala baraha bulshada.

Ismaaciil Maxamed “Wasaaradda haweenka waa laga qurxiyey miyaa? Bashiir Goobe wasiirka qoyska miyaa loogu beddalay?”.

Abdirahiim Cismaan “Ninkii dhammaa ee Janannada Soomaalida ugu darajada sarreeyey wasaaradda qoyska maa shaqo uga dhigteen?, Xukuumad meesha nooma taal wallee”.

Dheyman Xaaji “Wasaaradda haweenka mala boobey? HORMARINTA QOSKA AAAA HAYEELINA”.

Yuusuf Ibraahim Cabdi ayaa isaguna yiri “Wasaaradii Haweenka iyo General raggiy waa jabay Sanadkan”.

Shukri Xaashi “Waa maxay Generaalka wasiirka wasaaradda haweenka loo magacaabay?

Muqdisho 28ka Luulyo 2024 Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo maanta shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa u jawaabay madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo saaka weerar afka ah ku qaaday dowladda federaalka oo uu ku eedeeyay fashil siyaasadeed iyo mid ciidan intaba.

Jaamac ayaa jawaabtiisa ku sheegay in laga haboonyahay in la siyaasadeeyo arrimaha ciidamada, wuxuuna sheegay inay tahay wax aan la aqbali karin.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidanka Soomaaliyeed ay yihiin geesiyeyaal guul wayn ka keenay dagaal adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

“Saaxiibada siyaasadeed ee siyaasadda dowladda dhaleeceynaya waxyaabo kale ayaa u furan inaan ka wada-hadalno, laakiin lama aqbali karo in Daawada cadeyga ay ka dhigtaan ciidankeena”, ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Subax kasta ma rabno in askariga Soomaaliyeed ee jooga furinta laga mashquuliyo Facebook-ga iyo makarafoonada”.

Wasiirka gaashaandhigga oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay xubnaha mucaaradka inay niyad jabinta ka daayaan ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan furimaha dagaalka, wuxuuna sheegay inay raadiyaan wax kale oo ay ku dhaliili karaan madaxda dalka.

“Waxaan soo jeedineynaa in aan la siyaasadeyn arrimaha ciidamada wiilkaas furinta joogo ma yaqaano mucaarad iyo muxaafad” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Sheekh Shariif wuxuu saaka shirkiisa jaraa’id ku sheegay in hannaanka loola dagaalamayo Al-Shabaa uu khaldan yahay, isla markaana laga garan karo sida loo laayay ciidamada Xoogga dalka, sida uu hadalka u dhigay.

“Hannaanka loola diriraayo Al-Shabaab, haddii uu fiican yahay maxaa ciidamada usoo jabeen? mase la socotaa maanta ciidanka milatariga maanta hal guuto oo dagaalami karta in aysan ku jirin?” ayuu ku jawaabay madaxweyne hore Sheekh Shariif.

Waxaa kale oo uu yiri “Wax badan oo aan rabin inaan halkan ku sheegin dartooda ma rabo inaan kusii socdo ciidanka waa khaldan yahay sida loo maamulay iyo sida loo hoggaamiyay waana sheegeynaa Shabaabna waa kasoo horjeednaa”.

Si kastaba, hadalkan ayaaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dalka ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo lagu xoreeyay dhul ballaaran.

Muqdisho 28ka Luulyo 2024 Agaasimihii hore ee warfaafinta ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Weriye Cali Nuur Salaad ayaa maanta laga sii daayey xabsiga, kadib markii uu dhowaan soo xiray booliska Soomaaliya.

Calinuur Salaad ayaa ahaa Agaasimaha Telefishin lagu magacaabo Dawan, waxayna Caasimada Online ogaatay in maanta uu xoriyadiisa dib u helay.

Booliska ayaa markii lasoo xiray Calinuur waxay ku eedeeyeen “been-abuur, aflagaado iyo wax ay ku tilmaameen anshax-darro” in kastoo aysan soo bandhigin cadeymaha eedeymahaas.

Wariye Cali Nuur Salaad oo maalmihii lasoo dhaafay xirnaa ayaa lagu sii daayey dadaallo aan kala joogsi lahayn oo intooda ugu badan ay wadeen siyaasiyiin, xildhibaano iyo bahda saxaafadda.

Dhinacyadaan ayaa ku baaqayey in Weriye Calinuur lasii daayo booliska oo baahiyey soo qabashada Calinuur ayaa ka aamusay sii deyntiisa.

“Waxaa ku socota baarista Boliiska. Waxaana la horgey doonaa Maxkammada awooda u leh,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir markii lasoo xiray Calinuur.

Calinuur Salaad ayaa maalin ka hor markii la xiray bartiisa TikTok soo dhigay muuqaal uu ku yiri, “Goobaha ay joogaan ciidamada qaranka waxaa lagu iibiyaa Qaad ama Jaad, ciidankuna waxay ku bedeshaan lacagta mushaarka loo siiyo iyo mararka qaar hubkooda.”

Ankara 28ka Luulyo 2024 Baarlamanka Turkey ayaa ansixiyey mooshin madaxweyne Erdogan awood u siinaya inuu ciidamada badda geeyo biyaha Soomaaliya muddo laba sano ah.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay markii Soomaaliya iyo Turkey ay bishii Febraayo saxiixdeen heshiis iskaashi difaac iyo mid dhaqaale, kaasi oo ujeedkiisu yahay in lagu xoojiyo awoodda difaacca badda Soomaaliya iyo dhismaha ciidan badeed.

Heshiiska ayaa yimid kadib markii Ethiopia ay heshiis la gashay maamulka Somaliland bishii Janaayo, kaasi oo Addis-Ababa lagu siinayo dhul-badeed ay ka sameysato dekad iyo saldhig ciidan badeed. Heshiiska waxaa si xooggan uga horyimid dowladda federaalka Soomaaliya.

Turkey ayaa horraantii July marti-gelisay wada-hadallo u dhaxeeyey wasiirada arrimaha dibedda Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaas oo aan miro-dhalin. Inkasta oo Itoobiya ay codsatay dhex-dhexaadinta, haddana ilo-wareedyo ayaa sheegay inay ka cago jiiday in horumar laga gaaro.

Arrintaas ayaa wararku sheegayaan in Turkey ay ku qasabtay inay dedejiso fulinta  ballan-qaadka difaaca Soomaaliya iyo ansixinta heshiiska.

Faah-faahin dheeraad ah, naga filo goor dhow, Insha Allah.

Muqdisho  28ka Luulyo 2024 Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa booliska ayaa saaka waabarigii hore howlgal culus ku qaaday degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay ka bilaabeen howlgal burburin ah.

Ciidamada ayaa cagta mariyay xarun ay horay u daganaan jirtay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, taas oo ay muddo dheer daganaayeen dad shacab ah.

Wararka ayaa sheegaya in xalay saq-dhexe ciidamo lagu daadiyay halkaasi, kadibna shacabka lagu amray inay la baxaan alaabtooda, waxaana xigay inay burburin ku bilaabeen gaadiidka cagaf-cagafka ah oo ay wateen ciidamada.

Horay ayaa shacabka deganaa xarunta wasaaradda arrimaha gudaha loogu wargeliyay inay ka guuraan, waxaana jirtay digniino dhowr ah oo la siiyay, balse ma qaadan waxaana saaka mar qura weerar culus ku qaaday ciidamada oo awood u adeegsanayo dadkaasi.

Ujeedka ayaa ah in dhulkan oo ah mid dowladeed loogu adeego shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay dageyso wasaaradda arrimaha gudaha oo iyadu leh dhulkaasi.

Xaaladda goobta ayaa la soo warrinayaa inay haatan kacsan tahay, waxaana ciidamadu ay xireen dhamaan waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa halka ay ku taallo xarunta.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay sidan oo kale u burburisay xaafadda Dab-damiska oo ahayd dhul dan-guud ah, waxaana laga raray shacabkii daganaa halkaasi.

Todobaadkii hore sidoo kale waxaa la burburiyay xaafad kale oo ku taalla deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, kadib markii gabar uu dhalay Maxamed Siyaad Barre loo xukumay dhul ku yaalla halkaas oo ay daganaayeen dad shacab ah, waxaana weli taagan xiisad ka dhalatay burburinta lagu sameeyay halkaas

Muqdisho  28ka Luulyo 2024 Senator Maryan Faarax Kaahiye oo kamid ah gabdhaha Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa dood adag ka keentay xilka loo magacaabay General Bashiir Goobe oo loo dhiibay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka oo ay horay u lahaayeen haweenka Soomaaliyeed.

Senator Maryan ayaa sheegtay in meesha ay ka baxday xuquuqdii haweenka, kadib tallaabadii uu shalay qaaday ra’iisul wasaare Xamza oo sameeyay magacaabistaan.

Sidoo kale waxa ay isla xiriirisay arrintan iyo kiiskii Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ay sheegtay in horay looga hor istaagay kursiga Midowga Afrika.

“Iyadoo la ogyahay sida looga hiiliyey Xildhibaan Fowsiyo iyo diidmada loo diidey Kursiga Midowga Africa,hadda waxaan la yaabanahay oo caddaalad darro ah in Wasiirka Haweenka Soomaaliyeed loo dhiibo General loo adeegsan karo CIIDANKA XOOGGA DALKA. Aawey Xuquuqdii Haweenka Soomaaliyeed oo laf-dhabarka u ah jiritaanka Dowladnimada?” ayay qoraalkeeda ku tiri Senator Maryan Faarax Kaahiye.

Waxaa kale oo ay sii raacisay “Waxaan aqaan Haween Soomaaliyeed oo dalka iyo dibedda jooga oo ka haysta PhD Arrimaha haweenka,Carruurta iyo xuquuqul Insaanka, maxaa Xilka Wasiirka loogu dhiibi waayey?”.

Hoose ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

HAWEENKU MIYEYSAN AHAYN HAL-DOORKA SHACABKA SOOMAALIYEED?

Fowsiyo Yuusuf Xaaji iyo Kursiga ugu sarreeya ee Midowga Africa iyo Xilka Wasiirka Wasaaradda Haweenka!

Xildhibaanada labada Aqal ayaa Fowsiya siiyey awood buuxda oo ay JFS ku matasho;labada gole ayaa Xildhibaan Fowsiyo u uruuriyey lacag,lagana qaday dhammaan Xildhibaanada Sharafta leh!!

Xildhibaanada Sharafta leh,waxaan weydiiyey aawey awooddii aan Xildhibaan Fowsiyo shalay ku ansixinnay si mug iyo miisaan leh oo aan taariikhda loo arag?

Aawey awooddi Dastuurku inoo oggolaaday ee ah mid lama taabtaan ah?

Kursiga Xildhibaan Fowsiyo loo diiday,maxaa lagu baddashay?yaase awood u leh in uu buriyo Go’aanka Labada Aqal?

DHANKA KALE,,

Shalay waxaa Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul- insanka loo magacaabay Generaal Goobbe!

Iyadoo la ogyahay sida looga hiiliyey Xildhibaan Fowsiyo iyo diidmada loo diidey Kursiga Midowga Africa,hadda waxaan la yaabanahay oo caddaalad darro ah in Wasiirka Haweenka Soomaaliyeed loo dhiibo General loo adeegsan karo CIIDANKA XOOGGA DALKA.

Aawey Xuquuqdii Haweenka Soomaaliyeed oo laf-dhabarka u ah jiritaanka Dowladnimada?

Haweenka Soomaaliyeed maanta waxay mudan yihiin in loo dhiibo Xilka Wasiirka Haweenka,maaddaama shaqadu tahay Daryeelka Haweenka,Carruurta iyo Xuquuqdooda!

In Wasaaradda Haweenka hadda loo magacaabo qof aan aqoon,dareen iyo waayo aragnimo midna u lahayn,waxay tusaale u tahay sida loogu tumanayo xuquuqda Haweenka Soomaaliyeed.

Waxaan aqaan Haween Soomaaliyeed oo dalka iyo dibedda jooga oo ka haysta PhD Arrimaha haweenka,Carruurta iyo xuquuqul Insaanka,maxaa Xilka Wasiirka loogu dhiibiwaayey?

Dowladi waa tan daryeesho shacabkeeda,gaar ahaan Haweenka iyo Carruurta,waana astaamaha lagu faano.

WARARKA MAANTA 27ka Luulyo 2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa diidi kara inuu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ceebtiisa banaanka keenay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maant qarin kara runta? Yaa boobay hantida dadweynaha  Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Maxuu ku soo dhammaaday shirkii #Dooxa # Qatar ee uu qabtay Fahad Yaasiin “Daba-Naasle” Iyo Madaxweynihii hore Mudane Maxamed Cabdilaahoi Farmaajo “Been-Hawaas”? Maxayse tahay sababta Teleefishinka Qaranka #SNTV Iyo #RadioMuqdisho u diideen inay soo daayaan wareysiga Madaxweynii hore Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed “Ma Aqaano” Badda wixii iibsaday?  Yaa diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? 

Ha Wiqleyso!

Hirshabelle State 27ka Luulyo 2024 Wararka ka imaanaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi ilaa Xalay ay ka taagan tahay xiisad culus oo u dhaxeeysa maamulka degmada Maxaas iyo ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda.

Xiisada ayaa timid kadib markii ciidanka deegaanka ee Macawiisleeyda ay diideen in Maxaas uu tago madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo doonayay inuu tago degmadaas.

Ilo ku sugan degmada Maxaas ayaa inoo sheegay in saakay wali ay kacsan tahay xaalada magaalada Maxaas, maadama ay ku wada sugan yihiin gudaha magaaladaas ciidamo diidan in Guudlaawe tago Maxaas iyo kuwa doonayo iney kusoo dhaweeyaan.

Diidmada Maxaas ee Guudlaawe ayaa kusoo aadeysa, iyadoo Shalay lagu soo dhaweeyay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, xili maalmahii lasoo dhaafay uu safaro ku marayay madaxweyne Guudlaawe deegaano iyo degmooyin ka tirsan Shabeellaha Dhexe, islamarkaana sidaas oo kale qorsheynaayay inuu safaro ku maro gobolka Hiiraan.

Lasoco wixii kusoo kordha wararkan.

Soomaaliya Iyo Aserbajaan 27ka Luulyo 2024 Soomaaliya iyo Asarbaijaan ayaa ku heshiiyey in sare loo qaado xiriirka laba geesoodka ah iyo in sare loo qaado iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan.

Heshiiskan ayaa lagu gaaray intii lagu jiray kulan magaalada Baku ku dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Amb. Ahmed Moallim Fiqi iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Asarbayjaan Jeyhun Bayramov.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo dhisi lahaa hannaan wadajir ah oo kor loogu qaado iskaashiga iyo horumarinta danaha wadaagga ah, kuwaas oo sida la sheegay daboolaya dhowr arrimood oo heer gobol iyo caalami ah oo khuseeya dano wadaagga labada dal.

Intaas waxaa dheer, labada dhinac waxay si gaar ah uga wada hadleen iskaashiga beeraha, kalluumeysiga, warshadaha saliidda iyo gaasta, tamarta cagaaran, dadaallada bani’aadamnimada, iyo waxbarashada.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in xiriirka diblomaasiyadeed ee hadda jira uu muujinayo sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka iyo sahaminta waddooyin cusub oo iskaashi, taasoo ka tarjumeysa isbeddellada iskaashiga caalamiga ah.

Dhankiisa, Wasiir Bayramov ayaa xusay in tan iyo markii la aasaasay xiriirka diblumaasiyadeed 20 sano ka hor, gaar ahaan sannadihii u dambeeyay, kororka xiriirka Asarbayjaan iyo Soomaaliya uu muhiim u ahaa sahminta fursadaha iskaashiga.

Waxa uu ku nuux-nuux saday muhiimadda uu leeyahay ballaarinta iskaashiga labada dal iyadoo la raacayo heshiiskii wadatashiga siyaasadeed ee ay labada dal kala saxiixdeen.

Puntland 27ka Luulyo 2024 Ciidamada Ammaanka Puntland ee PSF ayaa soo bandhigay sarkaal ajnebi ah oo katirsan kooxda Daacish oo lagu qabtay Buuraleyda Calmis ee Gobolka Bari

Sarkaalka la qabtay oo lagu magacaabo Cimraan Maxamed Calawi oo u dhashay dalka Zanzibar, ayaa lagu soo bandhigay warbixin muuqaal ah oo lagu daabacay bogga Facebook-ga ee PSF.

War qoraal ah oo loo turjumay afka Soomaaliga ayuu Calawi ku qirtay in uu ka tirsan yahay Daacish uuna ka qeyb qaatay dagaalo ka dhan ah kooxaha kale.

Waxa uu shaaca ka qaaday in inta badan dagaalyahannada Daacish ee gobolka ay yihiin ajaaniib, oo ay ku jiraan shaqsiyaad u dhashay Ethiopia, Malawi, Yemen, iyo wadamo kale.

Calawi oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in gacanta lagu dhigay kadib markii uu ka soo baxsaday weerar dhawaan lagu bartilmaameedsaday Daacish oo ka dhacay deegaanka Qandala 31-kii bishii May ee sanadkan.

Qabashada sarkaalka ajnabiga ah ee Daacish ayaa muujineysa dhibaatooyinka amni ee kooxdan ay ku hayaan Puntland iyo guud ahaan gobolka.

Dhawaan, sirdoonka Maraykanka ayaa ka digay dagaalamayaasha Daacish ee gudaha deegaanada Puntland, halkaas oo la sheegay inay farriisin u noqotay horjoogayaasha ugu sarreeya Daacish.

Ethiopia 27ka Luulyo 2024Dowladda Itoobiya ayaa shalay ku dhawaaqday saddex maalin oo baroor-diiq qaran ah, kadib markii la xaqiijiyay in 257 qof ay ku dhinteen laba dhul-go oo Axaddi iyo Isniintii ka dhacay koofurta Itoobiya.

Bayaan kasoo baxay baarlamaanka Itoobiya ayaa lagu sheegay in baroordiiqda loo sameynayo dhibanayaasha ay billaabmeyso maanta oo Sabti ah.

Guddiga Maareynta Masiibooyinka ee Itoobiya ayaa isna sheegay in ay si wanaagsan u socdaan howlaha samatabixinta iyo gargaarka bani’aadannimo.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa kuw arrantay, in guryaha dadki ku dhintay masiibada ay buuxiyeen dad murugeysan, si ay uga qeyb galaan ama u wadaacaan boqollaalka qof ee la meydadkooda laga soo saaray dhoobada hoosteeda.

Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Isku-duwidda Arrimaha Bani’aadannimada ee loo soo gaabsho OCHA, oo soo xiganeysa saraakiisha deegaanka ayaa sheegtay, in duufaanno ka dhashay roob xooggan uu sababay dhul go’a ka dhacay tuulada yar ee Kencho Shacha Gozdi.

Waxay ka digtay in tirada dhimashada ay sii kordhi karto. Waa tiradi ugu badneyd oo dhul go’ ugu dhimata dalka Itoobiya, iyada oo ay wali sii socdaan howlaha gurmadka.

Muqdisho 27ka Luulyo 2024Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si weyn u danaynaysa in Ruushku uu safaarad rasmi ah ku yeesho Muqdisho sida ay qortay warbaahinta dalkaasi Ruushka.

Soomaaliya ayaa usoo jeedisay Ruushka in uu safaarad rasmi ah ka furto magaalada Muqdisho, sida laga soo xiganayo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Macallin Fiqi.

Ruushka oo 40 sanno ka hor Muqdisho ku lahaa adeegga diblomaasiyadeed ee ugu weyn gobolka geeska Afrika iyo halka kaliya ee ku taalla badweynta Hindiya ee safaarad uu ku lahaa ayaa dhowaan soo bandhigay inuu doonayo sare u qaadista xiriirka Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii bishii May ee sannadkan uu Muqdisho soo booqday safiirka Ruushka ee Soomaaliya Danjire Mikhail Golovanov, kaasi oo aan degganayn magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Xukuumaddaha Muqdisho iyo Moscow ayaa muddooyinkii dambe waday dadaallo xoojinayo xiriirka labada dhinac, oo aan horumar weyn sameyn wixii ka dambeeyay markii kacaanku xiriirka u jaray Midowga Sofiyet 45 sano kahor.

Wixii markaas ka horreeyay Ruushka wuxuu xiriir dhow kala dhexeeyay Soomaaliya, iyada oo loo arkayay in uu yahay dalka ugu saameynta weyn ee qeyb libaax leh ku yeeshay dhismaha ciidankii burburay ee Soomaaliya.

Xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka ayaa u muuqda mid soo noqonaya, iyadoo bishii Maarso ee sanadkii hore uu wasiirka arrimaha dibeda ee Soomaaliya booqday Ruushka markaas oo kulan dhowr maalin qaatay kula yeeshay xukuumadda Moscow.

Sidoo kale Ruushka ayaa markaas ku dhawaaqay in dalkiisu diyaar u yahay in uu ciidamada Soomaaliya ku taageero qalab militari oo ka caawin kara dagaalka lagu la jiro kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, dalabka cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya u gudbisay Ruushka ayaa wax badan ka tari doona xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya Muqdisho iyo Moscow.

Muqdisho 27ka Luulyo 2024Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo goordhow shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa eedeyn culus u jeediyay madaxweynaha hadda talada haya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu horreyn Sheekh Shariif ayaa soo hadal qaaday xaaladihii ugu dambeeyay ee soo kordhay, sida dagaal beeleedyada iyo hubkii lagu boobay Caabudwaaq, isaga oo ku tilmaamay wax laga xumaado, maadaama ay halis ku yihiin dowladnimada dalka.

Shariif ayaa soo hadal qaaday ammaanka, dagaalka Al-Shabaab, arrimaha ciidamada iyo doorashooyinka dalka, wuxuuna sheegay in dhammaan laga gaabiyay.

Arrinta ciidamada waxa uu tilmaamay inuu socdo qorshe lagu burburinayo ciidanka Xoogga dalka, isla markaana la abuurayo ciidamo gaar ah oo dano laga leeyahay.

“Istarakjarka ciidanka oo la beddalo wuxuu muujinayaa in aan laga shaqeyneynin ciidan inuu dhismo oo laga shaqeynaayo awood gaar ah inay dad gaar ah gacantooda kusoo aruurto” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dowladda KMG ahayd ee dalka.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Dalkan Janaraalo ayaa soo xukumeen waqti dheer oo ciidanka gacantooda uu ku jiray dadka waxa ay ku joogi karaan waa cadaalad, nina inuusan ku fikirin inuu ciidan gaar ah diyaariyo hub gaar ah qaato si uu wax gaar ah ugu gaaro arrintaas waxaan u maleynaayay in laga soo gudbay maanta inay muuqato saa saankeeda wax aad iyo aad looga xumaado waayay”. 

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka, isaga oo ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu ka gaabiyay inuu dalka u jiheeyo doorashooyin, wuxuuna si gaar ah ugu eedeeyay inuu hortaagan yahay doorashooyinka maamullada.

“Waxaa nasoo gaartay in madaxweynuhu uu ku yiri Madaxda maamul goboleedyada ee xiligu ka dhammaaday iska jooga waxba doorasho ha gelinina, dowlad ka shaqeynaysa danaheeda gaarka ah intee na gaynaysaa?”. ayuu mar kale yiri.

Sheekh Shariif waxa kale oo uu ka hadlay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay in maanta dalka uu joogo meel halis ah, isla markaaa dib loo noqday.

“Amniga waxaan ognahay maanta Shabaab meesha ay joogeen waa ay kasii xoog badan yihiin, ummadda Soomaaliyeed kalsoonidii dhexdeeda taallay waa dhaawacantay” ayuu ku sii daray.

Muqdisho 27ka Luulyo 2024 Xildhibaannada golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta kulan aan caadi ahayn ku yeeshay magaalada Hargeysa, kaas oo ujeedkiisu ahaa maamuus ka xayuubinta Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf Jaamac oo dacwad culus ay kusoo oogtay xeer-ilaalinta Somaliland.

Kiiska Maxamed Abiib ayaa waxaa kasoo kordhay arrin aan la fileyn, kadib markii soo jeedinta xeer-ilaaliyaha guud uu ka horyimid guddiga joogtada ah ee golaha wakiilada.

Warbixin lala wadaagay xildhibaannada, sidoo kalena loo dusiyay warbaahinta ayaa lagu shaaciyay go’aankka guddiga, waxaana lagu sheegay in soo jeedinta xeer ilaaliyaha ee ku aadan maamuus ka xayuubinta Maxamed Abiib ay tahay mid sharci darro ah.

President H.E. William Ruto must listen to the #Kenyan youth and he must include in his forthcoming cabinet appointment.. Mr. President Ruto, Kenyans wants equal representation, and you can do that by any means.  “Haddaba guddidu iyada oo ka duuleyso asbaabaha kor ku xusay waxay golaha wakiilada u xaqiijineysaa in soo jeedinta xeer-ilaaliyaha guud ee ah maamuus ka xayuubinta Mudane Maxamed Abiib Yuusuf Jaamac ay tahay mid aan sharci ahayn isla markaana ay ka hor imaaneyso mas’uuliyadda xil-gudasho ee mudanayaasha ee ku tilmaaman dastuurka iyo xeer hoosaadka golaha wakiilada xeer.lr.01/2021″ ayaa lagu yiri go’aanka kasoo baxay guddiga golaha wakiilada ee maamulka Somaliland.

Guddiga ayaa sidoo kale xubnaha golaha wakiilada ugu baaqay inay ka dhiidhiyaan arrintan, isla markaana ay cod ku diidaan soo jeedinta xeer-ilaaliyaha guud.

“Sidaas aawgeed waxaannu mudanayaasha golaha usoo jeedineynaa inay nagu raacaan isla markaana ay cod ku diidaan soo jeedinta xeer-ilaaliyaha guud” ayaa lasii raaciyay.

Intaas kadib guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa soo xiray fadhigii aan caadiga ahayn ee guluhu u balansanaa in go’aan lagaga gaadho dacwaddii xildhibaan Maxamed Abiib kadib markii uu goluhu buuxsami waayay kooram la’aan, waxaana lagu ballamay inay dooddu halkeeda kasii soconeyso.

Abiib oo haatan ku sugan Boorama ayaa xeer-ilaalinti waxa ay u heysataa eedaymo ay ku jirto in mas’uuliyiinta ka tirsan Saafaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti uu la kulmay iyo in arrimaha ciidamada Somaliland uu ka hadlay.

Sidoo kale Xildhibaan ayaa horay u tagay dalka Jabuuti dabayaaqadii bishii May ee sanadkan, wuxuuna safarkaas xaqiijiyey maalmo ka hor mar uu warbaahinta la hadlay, isagoo sheegay in Jabuuti uu Passapor ka soo qaatay.

Waxaa soo duubay Televisionka Banaadir Channel 

WARARKA MAANTA 26ka Luulyo 2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa noqday Madaxwynaha ugu xun #Afrika Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa noqday Xeer Ilaaliyaha ugu xun ee soo qabta xilkan? Yaa noqday Hanti-dhowraha uhu liita ee #Soomaaliya? Maxay tahay sabata sharci-darro loogu xirtay Weriye Cali Nuur Salaad oo xog uu madaxda sare la wadaagay ka xanaaqay in runta dadka loo soo bandhigo? Maxay tahay sababta uu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” u beddalaayey dastuurka? Maxay beesha caalamka u diiday dhaqaallo Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa runta ka qarin kara shacbka Soomaaliyeed? Yaa noqday raysal wasaaraha ugu liitay Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre “Daweeye”? 

Ha Wiqleyso!

Muqdisho 26ka Luulyo 202 Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Xukuunadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xasan Maxamed Bulaale ayaa sheegay inay dalka mamnuuc ka tahay in la soo geliyo Daawooyinka loo isticmaalo daroogo ahaanta ee maanka dooriya. Wasiirka ayaa uga digay dadka Soomaaliyeed ee ka ganacsada doowooyinkaas iney ka waan toobaan, isagoona ku hanjabay in talaabooyin adag ka qaadi doonto Xukuumada dadka Ganacsatada ah ee daawooyinka maanka dooriya dalka soo galiya.

“Waa mamnuuc in dalka la keeno Dawooyinka maandooriye ahaanta loo isticmaalo ee dhowrkii sano ee la soo dhaafay dad ganacsato ah dalka keenayeen, ha ogaadaan dadkaas in daawoyinkaas lagu qaban doono dekada iyo garoonka, waxaan leyahay ka waan tooba arintaas oo dhib ha u horseedina dadkiina” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Soomaaliya Maxamed Xasan Maxamed.

Wuxuu sidoo kale sheegay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya in Xukuumadda ay ka go’an tahay wax ka qabashada daawoyinka si guud ahaan ganacsatada Soomaaliyeed dalka u soo galiyaan ee bilaa tayada ah.

“Waan ognahay in daawoyin tayadooda yar tahay in dalka la keeno oo ganacsatada tagaan shirkadaha daawoyinka sameeya ee dibada ku yaala, waxaan diyaarinay habraac daawoyinkaas lagu saxayo oo lagu kontarolayo daawo kasta oo dalka soo gasha, Xukuumadda bishii janaayo ayay ansixisay hadana Baarlamaanka ayuu horyaala habraas, ayagana wan rajeyna iney meel marin doonaan” ayuu yiri Wasiir Maxamed Xasan.

Ugu dambeyntii hadalka Wasiir ku xigeenka Caafimaadka ayaa kusoo aadaya, iyadoo Soomaaliya la sheego iney ka mid tahay dalalka ugu liita dhinaca caafimaadka, maadama aysan jirin Koontorool rasmi ah oo lagu sameeyo Dawooyinka la keenayo dalka oo ay soo sameystaan dad ganacsato.

Somaliland 26ka Luulyo 2024 Maamulka Somalilanad ayaa digniin u diray dowladda Turkiga oo qorsheyneysa inay Markab u soo diraan xeebaha Soomaaliya, kaas oo ilaalinaya sidoo kale sahmin shidaal ka samey doona badda Soomaaliya, sida ku cad heshiiskii dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Heshiiska ay ka carootay Somaliland ayaa dabo-socday is-afgaradkii Somaliland iyo Itoobiya ay galeen bilowgii sanadkaan, kaas oo qeyb ka mid ah badda Soomaaliya loogu saxiixay Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin oo wareysi siiyay BBC ayaa ka hadlay qorshaha Turkiga ee Soomaaliya ayaa yiri, “Dowladda iyo Shacabka Somaliland raali kama ahan dhaqdhaqaaqa Turkiga ee Soomaaliya.”

Wasiirka ayaa uga digay Turkiga in badda Somaliland ay soo galaan, “Talaabo ayaan qaadi doonaa hadii Turkigu ku soo xadgudbo badeena, hadhow ma yeeli doono Soomaaliya ayaa na qaladay,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in shuruucda caalamiga ah ay la tiigsa doonaan Dowladda Turkiga, hadii aysan ka waantoobin dibindaabyada Somaliland ee dowladda federaalka ay kala shaqeyneyso, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale Wasiirka ayaa ka hadlay weerar kooxda Xuutiyiintu ay ku qaadeen markab Soomaaliya u rarnaa oo dib ugu noqday Dekeda Berbera.

“Anagu waxaan ku dadaalnay oo ku guuleysanay in badeena amnigeeda aan sugno, khatar badan hadda ma jirto waxaana rajeynaa in dhibaato aysan ka dhici doonin biyaha Somaliland,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Kaahin.

Somaliland ayaa u muuqata inay cabsi badan ka muujineyso maraakiib ay dowladda Turkiga u soo direyso badda Soomaaliya, qeybaha ugu daran ee Itoobiya ay ka ilaali doonaan waa badda Somaliland, maadaama qeyb kamid ah loo saxiixay Turkiga.

Muqdisho 26ka Luulyo 202 Maraykanka ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Ruushka iyo Shiinuhu inay ku soo dhowaadeen xuduudda hawada sare ee Maraykanka gaar ahaan agagaarka xeebaha gobolka Alaska.

Xoghayaha difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin ayaa u sheegay saxaafadda in wararka sheegaya in diyaaradaha Ruushka iyo Shiinaha ee lagu arkay meelo u dhow xeebaha Maraykanku in aanay ahayn wax lala yaabo, islamarkaana aanay haatan jirin khatar deg-deg ah oo ay ku hayaan amniga Maraykanka.

Xoghayaha ayaa sheegay inay leeyihiin awood ciidan oo ku filan oo ay ku ilaalin karaan ammaanka Maraykanka.

Waxa uuna intaas ku daray inay si dhow ula socdeen diyaaradahan, islamarkaana ay ka hortageen ciidamada Maraykanku, taas oo muujinaysa in ciidamada Maraykanku ay heegan ku jireen.

Waxa uu sheegay in haddii diyaaradaha Shiinaha iyo Ruushku ay mustaqbalka dhow sameeyaan duulimaadyo kuwan la mid ah, in ciidamada Maraykanku ay diyaar u yihiin.

Taliska difaaca hawada sare ee Maraykanka ee qaabilsan dhinaca woqooyi ayaa Arbacadii la wadaagay masuuliyiinta Maraykanka, inuu jiro dhaqdhaqaaq ay wadaan diyaaradaha Ruushka iyo Shiinuhu.

Taliska difaaca hawada sare ayaa sheegay inay dabagal ku sameeyeen labada diyaaradood, kuwaas oo ku soo xadgudbay aagga aqoonsiga difaaca hawada ee Maraykanka ee ADIZ.

Muqdisho 26ka Luulyo 202  La-Taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin Maxamuud ayaa shaaciyay sida keliya ee ciidanka Itoobiya uga sii mid ahaan karaan howl-galka Midowga Afrika, oo gudaha Soomaaliya ay xilligaan ku joogaan.

Xuseen ayaa sheegay in ciidanka Itoobiya ay dalka kusii joogi karaan, ayada oo xukuumadda Abiy Axmed ka laabato xad-gudubka ay kula kacday Soomaaliya, taas oo ka dhigan “ka laabashada is-afgaradkii badda ee Somaliland.”

La-taliyaha amniga qaranka oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa waxa uu si cad u sheegay in ciidanka Itoobiya ay Soomaaliya sii joogi karin inta ay weli dowladda Itoobiya ku taagan taha heshiiskaasi, oo si weyn uga carootay dowladda federaalka Soomaaliya.

“Inta is-afgaradka xaaranta ahaa ay dowladda Itoobiya ku taagan tahay qeyb kama noqoneyso ciidanka Afrikaanka ah ee howl-galka gali doono,” ayuu yiri La-taliyaha amniga qaranka Xuseen Macalin.

“Laakiin go’aankaas wuxuu isku beddeli karaa inay ka noqdaan howshaas. Howsha ka noqoshadeeda iyo dadaalkeeda waa howl socota oo dowladda Turkiga ay dhex-dhexaadinteeda wado, haddii lagu guuleysto inta uusan waqtiga naga dhamaan fursad ayay u heli doonaan in ay nabad ilaaliyaal noqdaan.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay go’aankan si rasmi ah ugu wargelisay dhinacyada ay khuseyso ee Itoobiya, ayna weli furan tahay xal ka gaarista arrintaas.

“Inta ay khuseyso rasmi ahaan waa ogyihiin, laakiin waqti howshaas lagu xaliyo ayaa weli furan,” ayuu yiri Xuseen Macalin oo sheegay in weli ay Itoobiya haysato fursad ay uga mid noqon karto howl-galka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa si weyn usii kala fogaaday kadib heshiiskii 1-da Janaayo ee sanadkaan ay magaalada Addis Ababa ku gaareen ra’iisul wasaare Abiy Axmed iyo madaxweyne Muuse Biixi, kaasi oo Itoobiya loogu saxiixayo qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, midaasi oo ganafka ku dhufatay dowladda dhexe, maadaama uu xad-gudub ku yahay madax-banaanida iyo midnimada dalka.

Muqdisho 26ka Luulyo 202 La-Taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin Maxamuud ayaa shaaciyay sida keliya ee ciidanka Itoobiya uga sii mid ahaan karaan howl-galka Midowga Afrika, oo gudaha Soomaaliya ay xilligaan ku joogaan.

Xuseen ayaa sheegay in ciidanka Itoobiya ay dalka kusii joogi karaan, ayada oo xukuumadda Abiy Axmed ka laabato xad-gudubka ay kula kacday Soomaaliya, taas oo ka dhigan “ka laabashada is-afgaradkii badda ee Somaliland.”

La-taliyaha amniga qaranka oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa waxa uu si cad u sheegay in ciidanka Itoobiya ay Soomaaliya sii joogi karin inta ay weli dowladda Itoobiya ku taagan taha heshiiskaasi, oo si weyn uga carootay dowladda federaalka Soomaaliya.

“Inta is-afgaradka xaaranta ahaa ay dowladda Itoobiya ku taagan tahay qeyb kama noqoneyso ciidanka Afrikaanka ah ee howl-galka gali doono,” ayuu yiri La-taliyaha amniga qaranka Xuseen Macalin.

“Laakiin go’aankaas wuxuu isku beddeli karaa inay ka noqdaan howshaas. Howsha ka noqoshadeeda iyo dadaalkeeda waa howl socota oo dowladda Turkiga ay dhex-dhexaadinteeda wado, haddii lagu guuleysto inta uusan waqtiga naga dhamaan fursad ayay u heli doonaan in ay nabad ilaaliyaal noqdaan.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay go’aankan si rasmi ah ugu wargelisay dhinacyada ay khuseyso ee Itoobiya, ayna weli furan tahay xal ka gaarista arrintaas.

“Inta ay khuseyso rasmi ahaan waa ogyihiin, laakiin waqti howshaas lagu xaliyo ayaa weli furan,” ayuu yiri Xuseen Macalin oo sheegay in weli ay Itoobiya haysato fursad ay uga mid noqon karto howl-galka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa si weyn usii kala fogaaday kadib heshiiskii 1-da Janaayo ee sanadkaan ay magaalada Addis Ababa ku gaareen ra’iisul wasaare Abiy Axmed iyo madaxweyne Muuse Biixi, kaasi oo Itoobiya loogu saxiixayo qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, midaasi oo ganafka ku dhufatay dowladda dhexe, maadaama uu xad-gudub ku yahay madax-banaanida iyo midnimada dalka

Muqdisho 26ka Luulyo 202 – La-Taliyaha amniga qaranka Xuseen Macalin oo ka hadlay heshiisyada difaaca ee Soomaaliya la gasho dalalka saaxiibka la’ah ayaa si cad u sheegay in dowladda marnaba ku tashaneyn in dalkeedda loo difaaco ee ay dooneyso sidii loogala shaqeyn lahaa middaasi.

Xuseen Macalin oo wareysi siiyay VOA ayaa meesha ka saaray in uu jiro qorshe ay dowladda Masar ciidamo ugu soo direyso Soomaaliya, isaggoo sheegay in xukuumadda Qaahir ay ka qeyb qaadaneyso sidii ciidamada Soomaaliya lugahooda ugu istaagi lahaayeen.

“Qorshe Soomaaliya ay ciidamo noogu soo direyso majirto, heshiisyada difaaca waa heshiisyo regular ah oo dowladdaha saaxiiabada nahay la wada galno. Soomaaliya kuma tala-galeyso in dalkeeda loo difaaco,” ayuu yiri La-taliyaha amniga qaranka

“Muhiimka waxay tahay dalalka aan la saaxiibayno waxaa kula saaxiibaynaa in kartidii Soomaaliya lagu difaaci lahaa qeyb ka noqdaan oo ciidamada Soomaalida ay u difaacan lahaayeen Soomaaliya.”

Dhawaan golaha wasiirada Soomaaliya ayaa ansixiyay heshiiska difaac ee ay wada gaareen dalalka Soomaaliya iyo Masar, xilli ay taagan tahay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, oo sidoo kalena ay is-hayaan Masar.

Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ayaa tan iyo markii uu soo baxay is-afgaradka badda ee Itoobiya iyo Somaliland oo ah xad-gudub ka dhan ah Soomaaliya garab istaag weyn u muujisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Dowladda Masar ayaa sida muuqata heshay garabka Soomaaliya, maadaama ay labada dal noqdeen isku cadow, kaasi oo ah dowladda Itoobiya. Masar iyo Itoobiya ayaa isku haya biyo xireenka wabiga Nile, ayaga oo ku sigtay inay xaaladoodu gaarto gacan ka hadal.

Somaliland 26ka Luulyo 2024 Xukuumada Somaliland ayaa markii u horreysay shaacisay inay diyaar u tahay in wada-hadal la furto hoggaanka gacanta ku haya Laascaanood, kaas oo salka ku haya maxaabiistii lagu kala qabsaday dagaalkii labada dhinac.

Wasiirka arrimaha guddaha Somaliland Maxamed Kaahin oo la hadlay BBC ayaa ku dhowaaqay arrintaan, isaggoo sheegay in xukuumadiisu ay diyaar u tahay in wadaxaajood laga furo arrinta maxaabiiista.

“Somaliland maxaabiista meel fiican ayay ka taagan tahay, markastana waxay diyaar u tahay si nabad-galyo ah oo aan shuruudo lahayn in arrinta maxaabiistaa dhinacyadu uga wada-hadlaan,” ayuu yiri wasiir Kaahin.

Sidoo kale wuxuu xusay in wada-hadalka dhinacyada ay wax ka bilaaban yihiin laakiin ay wali qabyo badani ku jirto, sidaas darteedna aan la sheegi karin waqti rasmi ah oo xal laga gaari karo arrinta maxaabiista, oo muddo ku kala xiran Hargeysa iyo Laascaanood.

Somaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa maxaabiis ku kala qabsaday dagaalkii Laascaanood, illaa haddana ma jiro wada-hadal rasmi ah oo lagula kala wareegayo maxaabiista, marka laga imaado daadallada hoose ee Somailand shaacisay.

Horey, SSC-Khaatumo ayaa shuruud uga dhigtay sii deynta maxaabiista Somaliland ee gacanta ku hayaan illaa inta laga gaarayo heshiis nabadeed buuxa, mana cadda inay taas aqbashay xukuumadda Somaliland.

Somaliland ayaa dhankeeda dhowr jeer SSC-Khaatumo ku eedeysay in si arxan darro ah ula dhaqantay maxaabiista gacanta ku hayaan, halka taasi bedelkeeda ay SSC sheegtay in maxaabiistaas si wanaagsan loola dhaqmo, iyada oo u ogolaatay inay booqato hay’adda ICRC.

XASAN SHEEKH OO DHIIKAR KA QAADAY HUBKII CABUDWAAQ LAGU BOOBAY, FASHIL IYO IS-QABQASI AYAA KA…

WARARKA MAANTA 25ka Luulyo 2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta:Yaa gabdho u iibeeyey dalalka Carabta oo dalka Madaxweyne ka noqday?  Yaa yaqaana nin intuu kufsaday gabar haddana dalka #Soomaaliya ka noqday Raysal Wasaare haddana Madaxweyne haddana hadda raba inuu qaso dowladda tabarta daran ee dalka ka jirta? Yaa noqday guddoomiye golaha shacabka oo kufsi iyo sino sameeyey haddana laba jeer noqday guddoomiyaha golaha shacabka? Yaa runta ka qarin kara shacabka Soomaaliyeed? Meeqo nimanrag oo dembiyo waa weyn sameeyey oo haddan madax ka noqday #Soomaaliya? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inay dowlad gobaleedyada iyo dowladda dhex wadashaqeeyaan Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa raba inuu xirxiro weriyayaasha iyo warbaahinta marka ay kashifto musuqmaasuqiisa 

Ha Wiqleyso!

Muqdisho 25ka Luulyo 202 Ciidanka Booliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa Saldhiga degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho kusoo bandhigay nin ku eedeysan inuu ku kacay fal anshax daro ah. Ninkaan lagu xiray Saldhiga Xamarweyne ayaa lagu magacaaba Axmed Suudi Macow Deeyow oo da’diisa lagu sheegay 30 sano, kaasoo ku eedeysan inuu ku kacay fal liddi ku ah dhaqan Soomaaliyeed, islamarkaana dooriyay jirkiisa iskuna ekeeysiiyay dumar.

“Waxaa ku socota baarista Boliiska waxaana la horgeyn doonaa Maxkamadda awooda u leh” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska ciidanka Booliska gobolka Banaadir.

Sawir ninkaan looga qaaday gudaha Saldhiga degmada Xamarweyne ayaa muujinaya inuu isku ekeysiiyey Dumar, isagoo xiran dharka haweenka, islamarkaana ay ka muuqdaan qaar ka mid ah caalamadaha dumarka.

Xariga ninkaan isku ekeysiiyay dumarka ayaa kusoo aadaya, iyadoo Booliiska Muqdisho ay mudooyinkaan dambe ku howlanaayeen soo xerista dadka ku eedeysan ama ku kaca falalka  anshax darada ah, waxaana dadkaas ku jira kuwa caan ka ah baraha bulshada caan ka ah, kuwaas oo qaarkood Maxkamad lasoo taagay, halka kuwa kalana ay yihiin Maxkamad sugayaal.

Puntland  25ka Luulyo 2024 Qaramada Midoobay ayaa ugu hambalyaysay shacabka Puntland sida nabada ah ee ay ugu qabsoontay doorashooyin hal qof iyo hal cod ah oo ka dhacay gobolka Nugaal gaar ahaan degmooyinka Garoowe, Dangoroyo iyo Godobjiiraan. Warsaxaafadeed kasoo baxay UN-ka ayaa lagu sheegay khibradda Puntland ee doorashada tooska ah in ay kaalin ballaaran ka qaadan karto dimoqraadiyadda guud ahaan Soomaaliya.

Puntland ayaa noqotay dowlad goboleedkii ugu horreeyay ee Soomaaliya ee doorasho qof iyo cod ah ay ka dhacdo, gaar ahaan doorashooyinka golayaasha deegaanka ee dowladaha Hoose.

Qabsoomidda doorashadan ayay Puntland ku qaadatay muddo ka badan 20 sano ah, iyadoo dhowr jeer oo hore ay u fashilmeen carqalado amni oo lagala horyimid qabsoomidda doorashadan.

Qabashada doorashooyinkan ayaa ka dhigan in Puntland ay ka gudubtay caqabad weyn oo ahaa in laga gudbo nidaamkii qabaliga ah ee lagusoo xuli jiray xildhibaanada golayaasha deegaanka.

Muqdisho 25ka Luulyo 2024 Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo shalay khudbad u jeediyay Koongareeska Mareykanka, ayaa si adag u difaacay dagaalka ay dowalddiisa ka wado Gaza.

Waxa uu wacad ku maray inuu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah Xamaas, inta uu ka helay guul kama danbeys ah, isla markaana uu soo guryo celinayo la heystayaasha Gaza.

Xamaas ayuu ku eedeeyay sii socoshada dagaalka 10 bil jirsaday ee ay Isra’il ka waddo Gaza. Wuxuu weeraray Iran oo uu ku eedeeyay in ay maalgeliso Xamaas, ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan iyo Xuutiyiinta Yemen.

Wuxuu kaloo cambaareeyay dibadbaxayaasha Mareykanka ee mudaaharaadyada ka dhigayay dhawaanahaan xarumaha Jaamacadaha Mareykanka, kuwaas oo uu ku tilmaamay”doqomiin waxtar u yeeshay Iran” isla markaana caawinaya cadawga Israil.

Khudbaddii Netanyahu ee Koongareeska Mareykanka, ayaa waxaan soo xaadirin in ka badan 50 mudane oo ka mid ah mudanayaasha xisbiga Dimoqraadiga ee Koongareeska.

Inti ay khudbadda socotay, ayaa waxaa sidoo kale meel aanan ka fogeyn xarunta Koongareeska ee Capitol Hill ka socday mudaaharaadyo ay ka qeybgaleen kumannaan ruux oo looga soo horjeeday dagaalka Gaza.

Booliska ayaa suntan dadka ka ilmeysiisa ku buufiyay qaar ka mid ah dibad-baxayaasha oo rabay in ay socod ku gaaraan bannaanka xarunta Koongareeska, balse ay booliska u diideen.

Dadkaan ayaa ku qeylinayay erayo ka dhan ah Netanyahu, iyo kuwo ay ku taageerayeen Falastiin, iyaga oo lahaa “Falastiin ha xorowdo”.

Tan iyo marki uu billowday dagaalka Isra’il ee Gaza, ayaa waxaa ay ku dishay ku dhawaad 40 kun oo Falastiiniyiin ah oo u badan dumar iyo carruur.

Muqdisho 25ka Luulyo 2024 Dawladda Eritrea ayaa joojisay duulimaadyaladii diyaaradda shirkadda Ethiopian Airlines ay ku tegi jirtay caasimadda dalkaas ee Asmara.

Maamulka Hay’adda Duulimaadka Rayidka ee dalka Eritrea ayaa waxa uu mamnuucay duulimaadyada diyaaradda Ethiopian Airlines, waxaana warkaan lagu daabacay wargeyska dawladda Eritrea ee Hadas.

Sida lagu sheegay warka ay soo saareen maamulka Hay’adda Duulista Rayidka ee Eritrea, sababta ay u mamnuuceen diyaraadda Itoobiya ayay ku sheegeen, in diyaaradda Itoobiya Airlines ay ‘xadgudub abaabulan kula kacday rakaabka Eriteriyaanka ah ee raaca diyaaradooda’.  Eedeymaha ay Eritrea u jeedisay shirkadda doyaaradaha ee Ethiopian Airlines waxaa ka mid ah ‘Xatooyo boorsooyinka ah, waxyeelayn, dib u dhac aad u dheer, xoolo lumin aan magdhaw lahayn, sicirka tikidhada oo si aan la macnayn karin cirka la gaarsiiyo iyo sharci darrooyin kale oo muwaadiniinta Eritrean-ka ay arkeen.’

Sidoo kale Dawladda Eritrea waxay sheegtay in marar badan ay dhinacyada ay quseyso arrintaan ay isku dayeen inay dhibaatooyinka ay sheegteen rakaabo wax ka weydiiyaan maamulka shirkadda Ethiopian Airlines, iyaga oo xiriir la sameeyay, balse in aysan ka helin haba yaraatee wax jawaab ah.

“Marar badan ayaan xusuusinay diyaaradda Ethiopia Airlines in ay xaliyaan dhibatooyinka aan kor ku xusnay, laakiin wax natiijo ah kama aysan dhalan,” ayaa lagu yiri warka ay soo saartay Hay’adda Duulista Rayidka ee dowladda Eritrea.

Hay’adda ayaa sheegtay in wixii ka dambeeya 30-ka bisha September uu dhaqan gelayo go’aankan lagu mamnuucay diyaaradda Ethiopia Airlines, inkastoo dowladda Eritrea ay mamnuucday diyaaradda Ethiopian Airlines, hadana diyaaradda ayaa iibineysa tikidho diyaareed oo ah 31-ka September.

Dhankeeda dowladda Eritrea ayaa macaamiisha dalkaas u dhashay ee shirkadda ku wargelisay inay joojiyaan la macaamilka shirkadaas wixii ka dambeeya 20-ka September.

Duulimaadyada Ethopian Airlines ay ku tagto Asmara markii laga soo tago, waxaa jira shirkado diyaaradeed oo kale oo duulimaadyo ku taga caasimadda dalkaas ee Asmara, waxaana kamid ah Saudi Arabian, Turkish Airlines iyo Egyptian Ailines, kuwaas oo dhamaantood si joogta ah u taga Asmara.

Muqdisho 25ka Luulyo 2024 Warbixin xasaasi ah oo kasoo baxday Somaliland ayaa waxaa looga hadlay waxqabadka xukuumadda ee todobaadkii tegay, waxaana warbixinta looga hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan heshiiska bada, doorashada iyo arrimo kale.

Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay ka go’an tahay in dhowaan la hirgeliyo heshiiska badda ee ay la gashay Itoobiya, waxayna ku adkeystay in aan waxba laga beddali doonin.

Sidoo kale waxa ay ka digtay in maraakiibta dagaalka Turkiga ay soo gaaraan xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo la filayo inay soo caga dhigtaan, si loo fuliyo heshiiskii Soomaaliya iyo Turkiga.

Dhinaca kale xukuumadda maamulka Somaliland ayaa sheegtay in safiirkooda Itoobiya laga guddoomay warqadaha aqoonsiga, isla markaana horay loo sii wado xiriirka labada dhinac.

Hoose ka akhriso warbixinta oo dhammeystiran:-

𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐰𝐚𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

  1. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si adag gaashaanka ugu dhufatay in maraakiibta Turkigu ay soo galaan xeebta dheer ee Somaliland.
  2. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay inay ka go’an tahay hirgelinta heshiiskii isfaham ee dhex maray Itoobiya, waxana ay jawaab ka bixisay haddallo ka soo yeedhay dawladda Soomaaliya.
  3. Madaxweynaha JSL, Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ka qaybgalay aas qaran oo Hargeysa loogu sameeyay Alle ha u naxariistee Marxuum Xaaji Cabdi Aw Maxamuud Ismaaciil (Xaaji Cabdi Aw Cadde).
  4. Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa tacsi u diray dadweynaha iyo dawladda Itoobiya oo uu ka tacsiyadeeyay dadka ku dhintay dhul go’ ka dhacay koonfurta dalkaasi oo ay ku naf waayeen in ka badan 157 qof.
  5. Wasaaradda Kalluumaysiga iyo horumarinta Xeebaha Somaliland ayaa magaalada Ceerigaabo ka daah furtay diiwaan-gelinta Kalluumaysatada iyo Gaadiidka Kalluumaysiga dalka.
  6. Agaasimaha guud ee Baanka dhexe ee JSL, Maxamed Qaasim Xuseen,ayaa Hawl-gal ku fuliyay sarriflayaasha aan sharciga u haysan ku ganacsiga suuqa sarrifka ee Wajaale ee Khalkhalka gelinayay suuqaasi.
  7. Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa daneeyayaasha doorashada u soo bandhigay qoddobo ku saabsan hawlqabadka Komishanka iyo qabyada jirta ee la xidhiidha doorashooyinka isku sidkan ee madaxweynaha iyo ururrada siyaasadda ee muddaysan 13ka November 2024.
  8. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku tilmaantay go’aan lagu degdegay tallaabadii Golaha ammaanka ee Qarammada midoobay ay cuna-qabatayntii hubka kaga qaadeen Soomaaliya.
  9. Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse ayaa xadhiga ka jaray Mashruuca Xoolo-naaxinta oo laga Hirgaliyay Deegaanka Balan-baal ee degmada Gar-adag ee gobolka Sanaag.
  10. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Cali Xasan Maxamed, ayaa digniin u diray warbaahinta ka hawlgasha dalka ee  xayaysiisa dhakhaatiirta aan lahayn takhasuska.
  11. Wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in xukuumadda JSL ay sannadkan dabarayso dhammaan 18ka Milyan ee doollar ee ku baxaya doorashooyinka dalka ee muddaysan 13ka November 2024ka, taasi oo kala badh dhaqaalahaasi ay u shubtay komishanka, halka inta kalena kolba qadarka ay u baahdaan ay soo dalban doonaan.
  12. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti sare oo ka socday Hay’adda Caafimaadka adduunka WHO, oo ay horkacaysay madaxa u sareeya Xafiiska WHO ee Somaliland iyo Soomaaliya.
  13. Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Raabi Cabdi Maxamed iyo Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Eng. Mawliid Nuux Ibraahim, ayaa la kulmay saraakiil ka socotay Baanka Horumarinta Africa oo ay hoggaaminayso Madaxa u qaabilsan Mashaariicda Baanku ka wado Somaliland.
  14. Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska JSL Cali Cumar Maxamed ayaa wareegto ku magacaabay guddiga ilaalinta iyo daryeelka carruurta.
  15. Safiirka Jamuuriyada Somaliland ee dalka Itoobiya Amb. Aadan Geeddi Qayaad, ayaa u gudbiyey waraaqihiisa magacaabista (Accreditation Letter),Agaasimaha guud ee hab maamuuska Wasaarada arrimaha dibadda eec dawladda Federaalka Itoobiya Mudane Melaku Bedada Senbeta.

𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚𝐧 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐬𝐨𝐨 𝐮𝐫𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐥𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐨𝐝𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐰𝐚𝐤𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐞𝐞 𝐒𝐎𝐋𝐍𝐀.

Muqdisho 25ka Luulyo 2024Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadashay arrimaha doorashooyinka ee dalka, gaar ahaan kuwa maamul goboleedyada waxayna shaacisay goorta ay dhacayaan doorashooyinkaas.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo khudbad ka jeediyay shirka qurbejoogta ee magaalada Dooxa ayaa sheegay in haatan dalka uu aadayo doorashooyin, isla- markaana ay noqonayaan kuwa ay ka qayb qaataan shacabka.

Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in doorashooyinkaas lagu bilbaabi doono kuwa maamul goboleedyada dalka, ayna dhacayaan dhammaadka sanadkan 2024-ka.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in qorshuhu yahay in la qabto doorashooyinka dowladaha hoose, si ay shacabka usoo doortay hoggaamiyeyaasha deegaankooda.

Xukuumadda Soomaaliya ayuu tilmaamay inay qaaday tallaabooyinkii ku haboonaa ee doorashooyinkan, isla- markaana la diyaariyay sharciyadii lagu hagi lahaa.

“Todobaadkan sharcigii doorashooyinka iyo sharcigii xisbiyada waa la dhammeeyay horay-baa la rabaa inay usii socdaan waxaan rajeyneynaa sanadkan aakhirkiisa dowladihii hoose iyo dowlad goboleedyadii iyo dowladda dhexaba inay doorashooyinkaas noqdaan kuwo dadka u siman yihiin qof walbaa codkiisa aan la metaleyn” ayuu yiri Fiqi.

Dhinaca kale waxa uu tilmaamay in wax badan laga qabtay amniga dalka, sidoo kale guul laga gaaray dagaalka Al-Shabaab, kuwaas oo muhiim ah doorashooyinka dalka.

“Amniga waxaa la xoreeyay 400 oo kiilo mitiri ka dheer, darraad baad arkeyseen kooxihii Khawaarijta oo inta soo weeraray ciidamadii Jubbaland sida loo galay waad aragteen’ ayuu mar kale yiri wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dalka ay ka taagan tahay xiisad wayn oo siyaasadeed, isla markaana hoggaanka dowladda federaalka lagu eedeeyay inay iyagu hortaagan yihiin qabsoomidda doorashooyinka maamullada dalka oo dib loo dhigay.

WARARKA MAANTA 24ka Luulyo  2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxay beesha caalamka ugu tiri Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? is casil? Maxaase hadda ka qaylisiiyey xildhibaannada qaar? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah  Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo #Maqaamka #Muqdisho  Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inay Dowlad Gobaleedyada dalka Iyo Dowladda Soomaaliya  Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diidi kara inaysan Soomaaliya ka dhex shaqayn lacag Soomaali? Yaa diidi kara inaysan Dowladda Soomaaliya xukummi dalka oo dhan? Yaa diidi kara inay xitaa Xafiiska Madaxweynaha  iyo Golaha Xukuummadda wadashaqayn?  Yaa sdii gurigiisa u maamusha hantida dadweynaha  Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Ha Wiqleyso!

Midowfga Yurub  24a Luulyo  2024Guddiga Midowga Yurub ayaa soo jeediyay in la adkeeyo tillaabooyinka dal ku galka ee lasiiyo muwaadiniinta Soomaalida.Qoraal rasmi ah oo uu Guddigu soo saaray ayaa lagu sheegay in dhawaan la soo jeedin doono in dalalka xubnaha Midowga Yurub ay awood u yeelan doonaan inay go’aan ka gaaraan tallaabooyinka la qaadayo.

Ujeeddada tillaabooyinkan ayaa ah dib u soo celinta muwaadiniinta Soomaalida ee sida aan caadiga ahayn ku gaaray Midowga Yurub iyagoo aan haysan dukumentiyo sax ah. Soomaalida ayaa sidoo kale laga qaadi doonaa lacag badan oo fiisaha Midowga Yurub ee loo yaqaano Schengen ah, waxaana codsiyadooda fiisaha Schengen lagu qaban doonaa 45 maalmood gudahood, halka 15 maalmood ee caadiga ah laga qaadanayo dalalka kale.

Qaar ka mid ah sharciga fiisaha Schengen ee Soomaalida ayaa laga yaabaa in la joojiyo, oo ay ku jirto suurtagalnimada in laga dhaafo shuruudaha soo gudbinta dukumentiyada caddaynta.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaali badan ayaa sanad kaste iska dhiiba Waddamada Yurub, kaddib markii ay dalalkaas ku tagaan Viisooyin ay ku helaan siyaabo kala duwan.

Itoobiya iyo Gambia ayaa ah qaar ka mid ah dalalka Midowga Yurub uu ka qaatay tallaabooyin adag oo dhanka Viisaha ah.

Muqdisho 24a Luulyo  2024 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Mama Keita oo ka tirsan UNECA iyo Mr. George Conway, ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay (DSRSG) oo ay weheliyaan khubaro caalami ah.

Wada-hadallada dhexmaray Madaxweynaha iyo masuuliyiintaan ayaa diiradda lagu saaray wajiga saddexaad iyo kan ugu dambeeya ee geeddi-socodka horumarinta Hiigsiga Qarniga ee 2060 (CV2060) iyo qorshaha istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya, si loo gaaro heerka dakhliga dhexe ee 2060-ka.

Madaxweynaha ayaa ku nuuxnuuxsaday in CV2060-ku uu noqon doono aasaaska qorshaha isbadalka qaranka iyo qorshayaasha xiga ee dhexe iyo kuwa waaxaha ilaa 2060.

Kulankaas waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa xubno ka socday golaha dhaqaalaha qaranka Soomaaliya.

Hiigsiga qorshaha qaran ee sanadka 2060-ka waa mid baaxad leh, sida ay marar badan sheegtay dowladda Soomaaliya.

Shirar looga hadlayo qorshahaas iyo sida dalkoo barwaaqo ah lagu gaari lahaa sanadka 2060-ka ayaa ka dhacay qaar kamid ah dalalka caalamka, kuwaas oo Soomaaliya ay ka qeyb gashay.

Soomaaliya oo ka mid ah dalalka soo koraya ayey quburadu sheegaan in muhiim uu u yahay qorshaha hormarka ah ee dunidu hiigsaneyso sanadka 2060-ka .

Ethiopia 24a Luulyo  2024  Dalka Itoobiya, waxaa korortay tirada dadka ku dhintay laba dhul go’ oo Axaddii iyo Isniintii ka kala dhacay gobolka Koofureed ee dalkaasi dhaca bariga Africa.

Saraakiisha Dowladda Itoobiya ayaa sheegay in tirada meydadka laga soo saaray dhoobada hoosteeda ay kor u dhaafeen 229 qof, walina laga cabsi qabo in ay jiraan tobnaan kale oo ku aasan dhoobada.

Kassahun Abayneh oo ah afhayeenka maamulka degmada Gofa ee ismaamulka Gobolka Koofureed ee Itoobiya, ayaa wakaaladda wararka ee Reueters u sheegay in roobab mahiigaan ah oo Axaddii da’ay ay sababeen dhul go’a khasaaraha dhaliyay

Madaxda Waaxda Misoobiyinka Qaran ee magaalada Gofa, Markos Melese ayaa isna Rueters u sheegay, in in ay wali helayaan meydad hor leh isla markaana aysan garaneyn xilliga ay jooji doonaan howlaha gurmadka.

Khasaaraha xooggiisa ayaa dhacay Isniintii, kaddib marki dad gurmad ahaan ugu yimid badbaadinta dhibanayaashi ku waxyeelloobay dhul go’i Axaddii, uu ku dul habsaday dhul go labaad.

Ra’isulwasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa sheegay in uu aad uga xumaaday khasaaraha ba’an ee soo gaaray dadka, isaga oo intaasi raaciyay in ay goobta u direen saraakiil heer federal ah, si loo yareeyo saameynta masiibada.

Muqdisho 24a Luulyo  2024  Dowladda Itoobiya ayaa codsi rasmi u soo gudbisay dowladda Soomaaliya, iyadoo dalbaneysa in loo ogolaado in gudaha Soomaaliya ay soo galaan ciidamo Itoobiyaan ah, si ay u gelbiyaan ciidan kale oo Itoobiya ka jooga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Ciidanka Itoobiya ee ku sugan degmada Maxaas Gobolka Hiiraan ayaa qeyb ka ah howlgalka ATMIS waxayna baxayaan maalamaha soo socda.

Dowladda Soomaaliya ayaa Ciidamada Itoobiya u ogolaatay inay tagaan Maxaas, si halkaas ay uga gelbiyaan 500 oo Askari oo dalka ka bixi doono dabayaaqada bishan.

Bixitaanka ciidanka Itoobiya ayaa qeyb ka ah qorshaha dhimista ciidanka ATMIS ee jooga Soomaaliya, sida ay cadeysay dowladda Itoobiya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa warqad codsi ah u soo dirtay dowladda Soomaaliya, iyadoo codsaneysa in ciidankeeda loo ogolaado inay soo galaan gobolka Hiiraan, si ay u gelbiyaan ciidankii horay uga joogay aagga degmada Maxaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa aqbashay codsigaas, maadaama ay soo martay jid sax ah, waxaana ciidanka Itoobiya u suurtagashay inay maanta soo galaan gobolka Hiiraan.

Dad ku sugan Hiiraan ayaa Caasimada Online u sheegay inay arkeen ciidamo aad u badan oo lagu qiyaasay 6,000 oo askari oo wata gaadiid dagaal, kuwaas oo u gudbay dhanka Maxaas.

Shaki badan ayaa ku geedaaman arrintaan, in 500 oo askari ay soo doonaan ciidan aad u badan oo gelbinaya ayaa abuurtay shaki weyn, arrintaan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya aysan heshiis aheyn oo dagaal diblomaasiyadeed oo adag ay galeen, mid toos ahna ay qarka u saaran yihiin.

Muaraykanka  24a Luulyo  2024 Bob Menendez oo ahaa mudane ka tirsan Golaha Senatka Mareykanka ayaa Talaadadi maanta gudbiyay istiqaaladiisa, kaddib marki dhawaan lagu soo oogay dacwado musuqmaasuq oo ay ku jiraan laaluush iyo inuu wakiil u ahaa dowladda Masar.

Bayaan uu soo saaray gelinki danbe ee Talaadadi ayuu Menendez oo laga soo doorto gobolka New Jersey ku yiri “Waxaan iska casili doonaa xilka xafiiskayga senetnimo ee aan ku matalayay gobolka New Jersey, waxana is casilaaddani ay dhaqan gal ku aheyd 20-ki August, 2024-ka,”.

Wuxuu intaasi ku daray in uu racfaan ka qaada doono dacwadaha lagu soo oogay, oo uu sheegay in uu racfaankiisa gaarsiin doono ilaa Maxkamadda Sare ee Mareykanka.

Guddoomiyaha gobolka New Jersey Phil Murphy oo isaguna Dimoqraaddi ah, ayaa lagu wadaa in uu soo magacaabo shakhsi si ku meel gaar ah u buuxin doono, kursiga uu banneeyay xildhibaan Bob Menendez.

Menendez oo ka mid ahaa mudanayaasha ugu tunka weynaa dhanka siyaasadda ee xisbiga Dimoqraadiga, ayaa tan iyo sannadki 2006-ki gobolka New Jersey ku matalayay Golaha Senetka. Wuxuu mar ahaa guddoomiyaha guddi hoosaadka awoodda badan ee arrimaha dibadda ugu qaabilsan Senetka Mareykanka.

Guddi xeer-beegti madax bannaan ayaa Menendez 16-ki bishi July ku helay danbi, kaddib dhageysi maxkamadeed oo ka dhacay degmada Manhattan ee magaalada New York.

Dacwad-oogayaasha Dowladda Federaalka Mareykanka ayaa ku eedeeyay Senator Menendez iyo xaaskiisa Nadine Menendez, in ay Dowladda Masar ka aqbaleen boqollaal kun oo dollar oo kaash ah, dahab, baabuur iyo in laga bixiyo lacagaha ugu haray guri uu horay deyn ugu gatay.

Taasi baddalkeeda, ayuu Senatarka ugu baddalayay Dowladda Masar, in uu uga ololeeyo gudaha Senetka, si Masar loo siiyo malaayiin dollar oo kaalmo lacageed ah oo ay kaga xiran dowladda Mareykanka.

Muqdisho 24a Luulyo  2024 Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya in maanta dagaal culus oo khasaare lagu gaarsiiyay Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool oo hoostaga maamulka Koonfur Galbeed.

Dagaalka ayaa u dhexeeyay ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan guutada 9-aad iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Abagbeeday oo ka tirsan gobolka Bakool, kadib markii ay weerar culus ku qaadeen ciidamada dowladda.

Qoraal kooban oo kasoo baxay taliska ciidanka Xoogga dalka ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkan jab wayn lagu gaarssiyay Al-Shabaab, isla markaana laga dilay xubno sar sare.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeeda lagu sheegay in ciidamada sameeyay howlgalka ay hub kasoo furteen kooxda, kuwaas oo ay ku jiraan Qoryaha BKM iyo AK47.

“Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 9-aad waxay howlgal qorsheysan ay ku dileen xubno sare oo ka tirsan Aragagaxisada. Abagbeeday oo qiyaas 20km dhanka beri kaga beegan Magaalada Xuddur ayaa isku hor imaad dhex maray ciidamada iyo argagaxisada waxayna ciidanka ay soo furteen hub ay ka mid yihiin Qoryaha BKM iyo AK47” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay Taliska Xoogga dalka.

Weerarkan ayaa waxaa ka horreeyay mid kale oo maalin kahor ka dhacay duleedka Kismaayo, kaas oo isna khasaaro ba’an lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Al-Shabaab, kadib markii lagu jabiyay weeraro ay ku soo qaadeen deegaano dhowaan laga wareegay oo ku yaallla gobolka Jubbada Hoose.

Ku dhowaad 100 xubnood ayaa looga dilay dagaalkaasi, kuwaas oo maydadkooda laso bandhigay, sidoo kale waxaa laga furtay saanad ciidan, sida ay sheegtay dowladda

Gobollada dalka ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Muqdisho 24a Luulyo  2024  Xiisad la xiriirta muran dhuleed ayaa mar kale kasoo cusboonaatay magaalada Muqdisho, kadib markii shalay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay burburiyeen dhul ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha oo ay daganaayeen shacab.

Arrintan ayaa dhalisay xiisad lamid ah tii Dab-damiska oo ay horay dowladda Soomaaliya uga barikicsay qoysas daganaa dhukaas oo ah mid dan-guud ah.

Qoysaska haatan laga burburiyay guryahooda ee deganaa Ceelasha Biyaha ayaa la hadlay warbaahinta, waxayna sheegeen in la boobayo dhulkooda, loona gaystay xadgudub wayn oo ay sheegeen inuu uga yimid Koonfur Galbeed iyo dowladda dhexe, sida ay hadalka u dhigeen.

“Waxaan halkan ka caddeynayaa dhibaato aan wanaagsaneyn inay nooga timid ciddii aan maciinsaneynay ee mas’uulka naga ahayd ee dowlad noo ahayd inay dhibaato burburin hantiyeed iyo dil dadeed intaba meesha ka dhacday” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

Cabdikariin Cabdulle Macow oo kamid ah qoysaskan ayaa sidoo kale ku dooday in dhulkan ay ka dhexleen waalidoontooda, isla markaana ay haystaan dukuminta cabirka dhulkaasi.

“Waxaa nagula haystaa dhulkii oo fac ka fac ah oo aan ka dhexalnay Aabaheyn, waxaa noo cabiray Xaaji Axmed Sacuudi” ayuu isna yiri Cabdikariin Cabdulle Macow.

Sidoo kale waxa ay qoysaskani tilmaamay in weerar lagu soo qaaday habeen madow, isla-markaana cagta la mariyay koofafkooda iyo guryihii ay daganaayeen.

“Habeen madow oo sideed saac ah ayaa naloo soo galay waxa nagula dumiyay ma naqaano, wax nagala xukumay ma jirto dhibkaas ayaa nagu dhacay” ayuu yir Cabdullaahi Iidow Caki oo 52 jir ah, kana mid ah dadka laga barakiciyay dhulkaasi

Xildhibaan Mukhtaar Xasan Saajid oo kamid ah Golaha Shacabka ayaa ka hadlay arrinta dhulkan iyo xiisadda ka dhalatay, wuxuuna farriin u diray Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka, isaga oo su’aal ka keenay waxa soo celiyay dhul boobka haatan socda.

“Waxaan usoo jeedinayaa madaxweynaha Koonfur Galbeed haddii arrinta laguu qariyay ka gaar, maxaa yeelay adigaa u dhaartay, Ilaaheyna wax kaa waydiinayaa” ayuu yiri Saajid.

“Tankale Madaxweynaha qaranka waxaan usoo jeedinayaa ee aan annaga soo dooranay, madaxweyne mar alle markii aad adiga timaado dhulkan lagu soo yaacaayo waa la fahmi la’yahay, dhul jabis iyo dhul boob iyo howlo badan oo horor dhulnimo ah ayaa soo badatay, madaxweyne arrintan sumcadaada ayay taabanee ee wax ka qabto” ayuu mar kale yiri.

WARARKA MAANTA 23ka Luulyo  2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” u amray in la soo xiro weriye Cali Nuur Salaad? Ma runta ayuu ka qariin karaa shacabka Soomaaliyeed? Maxuu ku fashilmay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ka diidi kara inuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” diiday inuu dhiso #Maqaamka #muqdisho,? Maxuuse Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” u diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah?  Yaa amray in qabuuraha la iibsado Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa amray gantida dadweynaha in la boobo Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa xaasaskiisa ay baad ka qaataan shacabka #Muqdisho iyo ganacsigooda? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee #Soomaaliya? Ha Wiqleyso!

Muqdisho 23a Luulyo  2024 Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa xiray weriye Cali Nuur Salaad oo kamid ah saxafiyiinta madaxa bannaan, marna soo noqday agaasimihii warfaafinta ee xafiiska raysal wasaaraha Soomaaliya, xilligii uu xafiiska joogay raysal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Ciidanka Booliiska ayaa ku eedeeyay weriyaha inuu ku kacay falal dambiyeedyo isugu jira, been abuur, anshax darro, iyo aflagaado ka dhan ah ciidamada qalabka sida, waxayna booliisku soo bandhigeen sawirka weriyaha isagoo maxbuus ah.

Dad badan oo isugu jira siyaasiyiin, suxufiyiin iyo bulshada qeybaheeda kale, ayaa si weyn uga horyimid xariga weriyaha, iyo hab-dhaqanka Booliisku ay sameeyeen, kaasoo ah, in ay faafiyeen sawirro magac dil ku ah sumcadda weriyaha

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheikh Axmed ayaa kamid ah dadka sida kulul u cambaareeyay xariga  loo geystay Cali Nuur Salaad.

Shariif ayaa xarriga Cali Nuur Salaad ku tilmaamay mid ka hor imaanaya xuquuqul Insaanka, muujinayana sida maamulka madaxweyne Xasan Sheikh ay uga go’an tahay inay aamusiyaan warbaahinta madaxa-banaan, iyo saxafiiyiinta, si ay u qariyaan xaqiiqada dhabta ah ee dalka ka jirta,

Dhinaca kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa isna cambaareeyay xariga loo geystay Cali Nuur Salaad, wuxuuna ku tilmaamay xad gudub toos ah oo ka dhan ah xuquuqda dastuuriga ah iyo mabaadi’da xoriyatul qawlka Bulshada.

“Waxaan si kulul u cambaareynayaa xariga loo geystay wariye Cali Nuur Salaad, kaasoo xadgudub toos ah ku ah xuquuqda dastuuriga ah iyo mabaadi’da xoriyatul qawlka. Saxafiyiinta waxay door muhiim ah ku leeyihiin bixinta macluumaadka, xoojinta hufnaanta, iyo la xisaabtanka kuwa xilalka haya. Xarig kasta ama caburin kasta oo lagu sameeyo saxafiyiinta waxa ay ka dhigan tahay in aan si cad loo ixtiraamin mabaadi’da muhiimka ah.” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay ixtiraamto oo ay ilaaliso xuquuqda saxafiyiinta, islamarkaasna si deg deg ah loo sii daayo Cali Nuur Salaad.

Dhawaan ayay ahayd markii Cali Nuur Salaad uu sheegay, in guul darrada ciidamada dowladda kasoo gaarta Alshabaab ay sabab u tahay isticmaalka maandooriyaha Qaadka oo uu sheegay in lagu iibiyo meel kaste oo ay ciidamadu ku sugan yihiin.

Wuxuu sheegay halkii loo baahnaa in dowladdu ay joojiso Qaadka, in taas beddelkeed masuuliyiinta dowladda ay u xiran yihiin qandaraasyada ku saabsan soo dajinta Qaadka.

Muqdisho 23a Luulyo  2024 Warbixin cusub oo kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, isla markaana ciwaan looga dhigay “Xog bixin diblumaasiyadeed” ayaa waxaa looga hadlay arrimo ku aadan hubkii dhowaan lagu boobay duleedka degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud, kaas oo u gacan galay maleeshiyaad iyo shacab.

Warxbixintan ayaa weji cusub u yeeshay fadeexadda ka dhalatay hubkaasi oo gaartay meeshii ugu darnayd, maadaama ay kusoo aaday kadib qaadistii cunaqabateynta hubka.

Qoraalkan oo ka koobnaa laba bog ayaa waxaa dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasaaraddeeda arrimaha dibadda ku sheegtay in hubkaasi ay si sharci darro ah dalka kusoo galay dowladda federaalka Itoobiya oo haatan ay xiisad kala dhexeyso Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay oo ay dowladda Soomaaliya si toos ah u sheegto in hubkaasi ay dalka soo gelisay Itoobiya, halka warsaxaafadeedkii hore ay ku sheegtay in hubkaasi ay dalka soo geliyeen ganacsato, isla markaana uu dalka kasoo galay dhinaca Itoobiya.

Dowladda federaalka ayaa sidoo kale Itoobiya ku eedeysay inay hubeyneyso maleeshiyaad beeleedyada, sidoo kalena hubka ay soo gelineyso uu halis ku yahay amniga gobolka.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay ugu baaqeysaa dowlada Itoobiya in ay ka waantoowdo faragelinta ay ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya oo ay kamid tahay tababarida iyo qalabeynta maleeshiyaad beeleedyada soo gelinta hubka sharci darrada ah” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale waxaa lasii raaiyay “Tani waxay dhiirogelineysaa isku dhacyada beelaha iyo abuurista xasillooni darro ku baahda gobolka iyo soo nooleynta argagaxisadasii liiceysa”.

Warbixinta waxaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday dadaalka dowladda iyo tallaabooyinka ay qaaday, kadib markii la bililiqeystaas hubkaas oo xaddi ahaan aad u tiro badan, waxayna sheegtay inay qaaday dhowr tallaabo, wafdina ay u diray Caabudwaaq, si hubka loo soo celiyo.

Gaza  23a Luulyo  2024 Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay in ugu yaraan 70 qof oo Falastiiniyiin ah lagu dilay duqeymo iyo madaafiicda taangiyda oo ay ciidamada Isra’il ku garaaceen qeybo ka mid ah bartamaha Marinka Gaza.

Tani waxay ka danbeysay kaddib marki ay taangiyada Isra’il ay dib ugu laabteen degmada Khan Younis iyo hareeraheeda, iyadoo ay ciidanka Isra’il mar kale ku mareen dadka deegaanka in ay si deg deg ah uga baxaan.

Meelaha ugu badan ee ay dadka ku dhinteen ayaa waxaa ka mid ah degmada Bani Suhaila iyo deegaannada kale ee bariga Khan Younis, halkaas oo qoysas badan oo barakacayay ay haleeleen madaafiicda taangiyda.

Saraakiisha caafimaadka waxay sheegeen in dadka la dilay ay ku jireen dumar iyo carruur, halka dhaawacana uu gaaray ilaa 200 oo qof Isniintii.

Tirada dadka ay ciidamada Isra’il ku dileen Marinka Gaza tan iyo marki uu billowday duullaanka ay Isra’il ku qadday Gaza bishii October ayaa dhaaftay Isniintii, 39,000 oo Falastiiniyiin ah, halka dhaawacu uu marayo 89,800, sida laga soo xigtay waaxda caafimaadka ee Gaza.

Isra’il ayaa weerartay Gaza, kaddib weerarki ay 7-badi October Xamaas ku qaadday koofurta Isra’il, halkaas oo la sheegay in lagu dilay ilaa 1,200 oo Israa’iiliyiin ah, qaar kalana lasoo afduubay.

Muqdisho 23a Luulyo  2024 Xildhibaan Faa’iso Maxamed Jayte oo kamid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta si kulul ugu jawaabtay guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale oo shalay weerar afka ah ku qaaday xildhibaannada mucaaradka ah ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Madaale ayaa ku eedeeyay xildhibaannadaas inay yihiin hunguri raadis, isla markaana ay ku fashilmeen siyaasadda iyo waajibaadkii loo igmaday.

“Xildhibaan Hunguri raadis ah miyuu la tashanayaa Madaxweynaha?. Xildhibaanoow waxa aad siyaasad ku raadineyso ka fikir” ayuu horay u yiri guddooiye Yuusuf Madaale.

Faa’iso Jayte oo maanta hadal ka jeedisay kulanka Golaha Shacabka ayaa ku eedeysay Madaale inuu mar kasta u gefo baarlamaanka Soomaaliyeed, isla markaana uu caayo xildhibaannada, sida ay hadalka u dhigtay.

“Madaale hadda waxa uu gaaray inuu Idaacadihii wacdo oo uu baarlamaanka caayo, isaga iyo dad kale ayaa lacag lagu siiyaa inay caayaan xildhibaanada” ayay ku jawaabtay Faa’iso.

Xildhibaanadda ayaa sidoo kale tilmaamay in Madaale uu isagu ku fashilmay shaqadii loo igmaday, isla markaana laga rabo inuu wax ka qabto dhiiqada daadsan Muqdisho.

“Xagaa haddii uu da’o lambar 4 afar booyad ayaa la keenaa horta mala geli karo kii kale oo jaayga godad ayaa laga qoday isna lama mari karo, waay uu wax u sheegaa ceebtiisa maba is ogee hoos inuu isku fiiriyo waayay marka uu qof caayaayo” ayay ku sii dartay Faa’iso.

Waxa ay sii raacisay “Waxaa la dhahaa ninka aad kobaha ka tolaneysid waxaa la fiiriyaa kobahiisa qof nuucaas ah oo iyada dhiiqo ku dhex jirto inay maalin kasto xildhibaan caayso ma aha”.

Ugu dambeyn waxay soo jeedisay in duqa Muqdisho & dadka kale ee u gefa baarlamaanka in laga qaado tallaabo adag, si loola xisaabtamo maadaama ay gaysanayaan xadgudub.

Muqdisho 23a Luulyo  2024  Wasiirka beeraha iyo waraabka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa u jawaabay xildhibaannada mucaaradka ku ah xukuumadda DanQaran ee hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza, isaga oo difaacay xukuumadda uu ka tirsan yahay.

Maareeye ayaa sheegay in xildhibaannadaasi ay yihiin kuwa aan laga nasan, isla markaana been u sheegaya dadka Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

“Xildhibaano yar oo 7 illaa 8 ah oo aan nasan oo dadka kale warbaahinta wuu ka nastaa ayaa maalin kasta halkan soo istaago been bey sheegaan marka, waxay yiraahdaan hoggaanka ciidamadu hoggaan sax ah maahan, yaa ogeysiiyay?” ayuu yiri Maareeye.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday arrinta ciidamada oo uu ka digay in la siyaasadeeyo, wuxuuna tilmaamay inuu ka dhalan karo fal dambiyeed aad u wayn.

“Ciidamada in la borobogaando waa eray qatar ah iyo in laga hadlo oo shaki la geliyo ciidanka, hoggaankooda iyo sida ay u dalacaan, waxayna taasi lamid tahay dambiilenimo” ayuu mar kale yiri Maareeye oo sidoo kale ku jira golaha wasiirada Soomaaliya.

Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa sidoo kale farriin u diray shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay in aysan dhageysan oo aysan qaadan warka xildhibaannadaasi.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in dowladda Soomaaliyeed ay hana qaatay, isla markaana labadii sano ee lasoo dhaafay la gaaray guullo aad waa wayn.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan leenahay haku sirmina kuwaas dalku horay ayuu u socdaa guulaha ay dowladdu gaartay labadii sano ee lasoo dhaafay waa wax aan qiyaasi karin oo bannaanka yaal yaal” ayuu mar kale yiri xildhibaan Maareeye

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dalka ay ka taagan tahay xaalad siyaasadeed oo ay qayb ka yihiin xildhibaannada oo si weyn u dhaliilsan Xamza iyo xukuumaddiisa.

Muqdisho 23a Luulyo  2024 Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay hubkii ugu badnaa oo laga furtay kooxda Al-Shabaab.

Hubkan ayey dowladda sheegtay in laga qabsaday dagaal-yahaanno ka tirsanaa kooxda oo lagu laayay deegaanada Buulo-xaaji, Harboole iyo Biibi ee gobolka Jubbada Hoose.

“In ka badan 80 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu xasuuqay weerarkii naflacaariga ahaa ee ay ku soo qaadeen fariisamada ciidanka xoogga dalka iyo Daraawiishta Jubbaland,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay dowladda.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay in nolosha lagu qabtay qaar kamid ah dagaal-yahaannadii weerarka soo qaaday, kuwaasi oo hadda gacanta ku hayaan ciidanka xoogga oo u gudbin doona hay’addaha ku shaqada leh.

Howl-galkaas ayaa sidoo kale lagu furtay hub aad u badan, ayada oo warbaahinta qaranka soo bandhigtay sawirada hubka laga qabsaday kooxda, kaasi oo aad u tira badan, iskuguna jira noocyo kala duwan.

Deegaanada lagu dagaalamay oo ku yaal Jubbada Hoose ayaa waxaa maalmo kahor la wareegay ciidamada Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland.

Maalmihii ugu dambeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa kordhiyay howl-gallada ka socda aaggaas, waxayna la wareegeen Buuloxaaji iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolkaasi.

Muqdisho 23a Luulyo  2024 Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul u cambaareeyay xariga Cali Nuur Salaad, kaas oo dowladda ay sheegtay inay usoo xirtay eedeynta falal iskugu jira anshax-daro, been-abuur iyo aflagaado ciidanka.

Shariif ayaa xariga Cali Nuur ku tilmaamay mid ka hor imaanaya xuquuqul Insaanka, muujinayana sida dowladda Xasan Sheekh ay uga go’an tahay inay aamusiiso warbaahinta madaxa-banaan iyo saxafiiyiinta, si ay u qariyaan xaqiiqada dhabta ah ee dalka ka jirta.

Dowladda ayuu ugu baaqay inay sida ugu dhaqsaha badan usii deyso Cali Nuur Salaad, oo soo noqday agaasimihii warfaafinta ee xafiiska ra’iisul wasaaraha xilligii Xasan Cali Kheyre, sidoo kale hadda la shaqeynayay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Hoos ka aqriso qoraalka

Waxaan si adag ah u cambaareynayaa xarigga wariye Cali Nuur Salaad, oo ah suxufi madax bannaan oo u adeega Shacabka Soomaaliyeed, kana hadla dhacdooyinka maalinlaha ah ee ka dhaca gudaha dalka.

Caburinta saxaafaddu waxay kasoo horjeeddaa Dastuurka Dalka iyo xeerarka caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha.

Xariggaan wuxuu caddeynayaa sida nidaamka hadda jira ee uga go’an tahay in la aamusiiyo warbaahinta madaxa bannaan, lana cabsi geliyo suxufiyiinta si ay dadka looga daboolo xaqiiqooyinka dhabta ah ee dalka ka dhacaaya sida musuqmaasuqa iyo ku takrifalka awoodda dowladda.

Waxaan ugu baaqeyaa in Dowladdu ay ixtiraamto xorriyadda hadalka, si degdeg ahna usoo dayso wariye Cali Nuur Salaad.

WARARKA MAANTA 22ka Luulyo  2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa noqday Madaxweynaha ugu musuqmaasuqa badan adduunka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ka nasiib badan #Sade/Mareexaan oo xitaa hubkii lagu baabi’in lahaa illaahay gacanta u geliyey? Maxay tahay Dowladda Soomaaliya oo hubka anagaa leh marna waxaa iska leh dad ganacsato ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub ee #Soomaaliya? Yaa runta ka qarin kara shacabka Soomaaliyeed Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa nqoday dalka aan lacagtiisa ka dhex shaqayn oo xitaa dastuurkiisa qof waalan uu iska beddelay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inay #Shaabka #Muqdisho helaan #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Ha Wiqleyso!

Muqdisho 22a Luulyo  2024 Askar katirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo tababar ku qaadanaya kuliyadaha Jaalle Siyaad iyo Xero Nacnac, ayaa sheegay in lagu wargaliyay in ay beelahooda kala yimaadaan hubkooda.

Qaar kamid ah askartaan oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay inay muddo labo bilood ah ku xaraysan yihiin labada xero. Waxay sheegeen taliyaha ciidanka lugta iyo ku xigeenkiisa inay u sheegeen, in askari kaste looga baahan yahay inuu la yimaado qoriga uu qaranka ugu shaqayn lahaa.

“Waxay nagu dhaheen muddo 10 beri ah ayaad haysataan, haddii aydan la imaanin halkaan ayaad ku xaraysnaanaysaan, maxaabiis ayaad tihiin. Daruuftaas ayaa ciidankaan haysata,” ayuu yiri askari kamid ah ciidankan oo la hadlay saxaafadda.

Askartan waxay sheegeen inay katirsan yihiin ciidanka qeybta 21-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed. Waxay tilmaameen in lagasoo saaray furimaha dagaalka, si ay tababar u qaataan.

Ma jirto cid ka hadashay cabashada ciidamadan. Waxayna cabashadooda kusoo aaday xilli dowladdu ay isku diyaarinayso dib u xoraynta degaanada Shabaabku haystaan ee Galmudug.

Jubbaland 22a Luulyo  2024 Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saaka maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Sbabaab ay weerar rogaal celis ah ku qaadeen deegaanka Harboole oo ay dhowaan kala wareegeen ciidamada Xoogga dalka iyo Daraawiishta ee maamulka  Jubbaland.

Weerarka oo ahaa mid gaamo ah oo ay aroortii hore saaka soo qaadeen Al-Shabaab ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac, kaas oo saacad ka badan qaatay.

Qoraal.kooban oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ay fashiliyeen weerarkaasi, isla markaana ay dib u celiyeen Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday.

“Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa saakay fashiliyay Weerar fuleynima ah oo ay Khawaarijto ku dooneysay in ay ku qaadaan Degaanka Harboole ee Degmada Afmadoow kana tirsan Gobolka Jubada Hoose” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in khasaaro lixaad leh la gaarsiiyay xubnihii weerarka soo qaaday, welina ay sii baacsanayaaan, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalka ka dhacay gobolka Jubbada Hoose, kaas oo ay guul ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

Deegaanka Harboole oo ah meesha uu weerarka ka dhacay  ayaa u dhexeeyo degmada Afmadow iyo deegaanka Janaay Cabdalle, waxaana marta waddo muhiim u ah oo isku xirta gobolka Jubbada Hoose iyo gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo maalmo kahor laga fara maroojiyay Al-Shabaab.

Maalmihii u dmabeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa kordhiyay howlgallada ka socda aaggaas, waxayna la wareegeen Buuloxaaji iyo deegaano kale.

Si kastaba, Jubbaland ayaa waxaa si rasmi ah uga billowday wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, kaas oo ay hoggaamineyso dowladda federaalka Soomaaliya.

Muqdisho 22a Luulyo  2024 Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Milataaro ayaa saaka lagu daadiyay laamiga dheer ee isku xira magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, gaar ahaan deegaanka Ceelasha, kuwaas oo isku fidiyay guud ahaan xaafadaha deegaankaasi.

Ciidamada ayaa sidoo kale joojiyay dhammaan dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka isaga kala goosha waddadaas oo isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Sidoo kale arrintan ayaa saameyn ku yeelatay goobaha ganacsiga iyo waxbarasada oo xiran, sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka.

Gaadiid badan oo ka yimid dhinaca magaalada Afgooye ayaa sidoo kale waddadan ku xayiran, taas oo keentay inuu hakad galo dhaq-dhaqaaqa waddadaasi.

Sababta halkaas ciidamada loo geeyay ayaa ah inay howlgal burburin ah ka sameeyaan deegaanka Ceelashaha Biyaha, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Xaafadda la burburinayo ayaa waxaa lagu magacaabaa Ramadaan, waxaana deggan dad shacab ah oo muddo ka bdan 10 sano deegaansanayay halkaasi.

Ma jiro wax faah-faahin ah oo ay laamaha amniga ka bixiyeen howlgalka ka socda Ceelasha Biyaha iyo waddada muhiimka u ahayd ee shacabka ee saaka la xiray.

Inta badan ciidamada dowladda ayaa mararka ay sameynayaan howlgallada gaarka ah xira waddooyinka, waxaana u dambeysay markii la burburinayay xaafadda Dab-damiska oo gebi ahaanba la jaray waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa, maadaama laga cabsanayay inay kacdoon sameeyaan shacabka laga barakicyay halkaas oo muddo dheer diidanaa.

Jubbaland 22a Luulyo  2024 Taliska ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa faah-faahin ka bixiyay dagaallo culus oo maanta ciidamadooda kuwa Xoogga dalka ay maanta la galeen maleeshiyaadka Al-Shabaab oo saaka weeraro ku qaaday deegaanada Buulo-Xaji iyo Harboole oo ka wada tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Qoraal ay shaacisay Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalladaasi lagu jebiyay Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday, isla markaana dib loo celiyay.

Saraakiisha Jubbaland ayaa sheegay in maydadka xubno badan oo la laayay ay daadsan yihiin goobihii lagu dagaalamay, sida ay hadalka u dheen

Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay inay hub iyo saanad ka furteen Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday ee beegsaday deegaanada Buulo-Xaaji iyo Harboole.

“Deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubada hoose saaka waxaa daadsan bakhtiga Khawaarijta oo tiro beel ah, sidoo kale halyeeyada Jubbaland ayaa furtay hub faro badan oo ay Argagixisada is lahaayeen ku dhibaateeya dadka rayidka ah” ayaa lagu yiri

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Sidoo kale deegaanka Harboole waxaa banaanada daadsan meydad kor dhaafaya 60 waxaana jira dhagarqabayaal la qabtay iyagoo nool.

.Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalka ka dhacay gobolka Jubbada Hoose, kaas oo ay guul ka sheegatay Jubbaland.

Deegaanada lagu dagaalamay ayaa waxaa maalmo kahor la wareegay ciidamada Jubbaland iyo kuwa Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Maalmihii u dmabeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa kordhiyay howlgallada ka socda aaggaas, waxayna la wareegeen Buuloxaaji iyo deegaano kale.

Muqdisho 22a Luulyo  2024 Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo shalay ka dhacday gudaha Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho oo ay xoog ku galeen ciidan gadoodsan oo ka yimid furimaha dagaalka ee gobollada dalka.

Ciidamadan oo ka tirsan qaybta 21-aad ee Xoogga dalka ee ka howlgasha Galmudug iyo HirShabelle ayaa waxa ay isku dhaceen taliye ku xigeenka ciidanka dhulka Janeraal Cabdullahi Cirro oo isna ku sugnaa Kuliyadda Jaalle Siyaad, waxaana meesha ka dhacay dagaal gacan ka hadal ah, ayada oo askarta ay feer iyo haraanti la dhaceen taliyaha.

Mid ka mid ah askarta oo la hadlay Shabelle TV ayaa sheegay in loo diiday in gudaha u galaan xerada, isla markaana ay xoog ku galeen, isaga oo ku dooday in guri aysan ku lahay Muqdisho, isla markaana laga geenay deegaanadoodii.

“Taliyaha iyo askarta waa is maandhaafeen xerooyinka masoo geli kartiin ayuu yiri, waana ciidan laga keenay Galmudug iyo HirShabelle oo Xamar aan hal guri ka daganeyn, sooma geli kartaan yaa ka yeelaayo”” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Annaga haddii dowladda nagala saaray ma Al-Shabaab ayaan aadeynaa, sida lagu geli karay ayaan ku galnay”.

Askariga oo sii hadlayay ayaa sheegay in xiisaddan ay ka dhalatay kadib markii askarta lagu amray inay keenaan qoryahooda oo uu tilmaamay inay iyagu soo iibsadeen, isla markaana aysa u dhiibi doonin qof shaqsi ah, sida uu hadalka u dhigay.“Ciidamadaas dhibaatada qabsatay waxay ahayd qoryo keena, qoryo aan loo dhiibina ma keenayaan, dowladda hana dhahdo nin shaqsi ah yuu na dhihin” ayu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu yiri “Dowladdii aan shalay u dagaalameynay wax dhib ah kuma hayno, waxaa nahay askar amar qaadata, waana qaadaneynaa amarka”.

WARARKA MAANTA 21ka Luulyo  2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxuu yahay mooshinka laga keenay Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi “OG-360 Daweeye”? Maxuuse ka qaban karaa mooshinkan Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Yaa diidan inay fashilantay Dowladda uu hoggaaminaayo Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diidi kara inuu fashilmay amniga dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diidi kara in xitaa qabuurihii uu lacag ka dhigtay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diidi kara inuu baabi’iyey ciidanka xoogga dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diidi kara inuu meelo badan oo dalka dab iyo qas siyaasaddeed ka huriyey Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diidi kara inuu argagixisada Shaaab iyo khaa’inul waddan Cabdilaahi Sanbolooshe xilal u dhiibay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Ha Wiqleyso!

Muqdisho 21a Luulyo  2024 Wakaaladda Wararka Tukriga ee Anadol oo soo xiganeysa Wasiirka Tamarta iyo Macdanta dalka Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa werisay in Dawladda Fadaraalka Soomaaliya ay heshiis baaris shidaal ah la saxiixatay dawladda Turkiga, kaas oo Turkigu u ogolaanaya inuu shidaal ka baaro 3-aag oo ku yaalla gudaha badda Soomaaliya.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa heshiiskaan la saxiixday dhigiisa Turkiga Alparslan Bayraktar, munaasabadda heshiiskaan lagu saxiixay ayaa ka dhacday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, warbixintaan ayaa soo baxday Khamiistii.

Dowladda Turkiga ayuu heshiiskaan xuquuq gaar ah siinayaa, sida ku cad warbixinta, waxaana si buuxda loogu ogolaaday in shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ay ka baarto, kadibna ka soo saarto 3-aag oo badda Soomaaliya ah, kuwaas oo kiiba yahay 5,000 oo KM oo isku wareeg ah.

Warbixintaan oo dowladda Soomaaliya aysan shaacin waxaa daaha ka rogay Wasiirka Tamarta iyo Macadanta ee dowladda Turkiga Bayraktar, isagoo warbixintiisa ku cadeeyey inta uu dhan yahay dheerarka dhulka ay u ogolaatay Soomaaliya.

“2 kamid ah 3-da aag, waxaa 50 KM gudaha loo galayaa badda, halka midka kale 100 KM loo aadayo gudaha badda,” ayuu yiri Wasiirka Tamarta iyo Macdanta dalka Turkiga Alparslan Bayraktar oo u waramay Wakaaladda Wararka Tukriga ee Anadol.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in wajiga 1-aad ee baaristaan ay samin samey doonaan, taas oo ay ku eegayaan aagagga loo ogolaaday “Waxaan u direynaa Soomaaliya markabkeena Oruc Reis dhamaadka September ilaa bilowga October,” ayuu yiri Wasiirka Tamarta iyo Macdanta dalka Turkiga Alparslan Bayraktar.

Wasiirka oo tallaabo taariikhi ah ku tilmaamay saxiixa heshiiskaan dhexmaray labada dal ayaa sheegay in hadda uu Turkigu deg deg u bilaabayo sahmin qaada doonta dhowr bilood.

“Waxaan direynaa shaqaale gaaraya 50 qof oo raacaya Markabka Oruc Reis, waxaana safarkaas ku wehli doona 5 Markab oo kale oo sahanka ka caawi doona, baaritaankaas wuxuu hoggaami doonaa qodista iyo soo saaridda shidaalka Soomaaliya, hadii ay suurtagasho,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Wasiirka Tamarta iyo Macdanta dalka Turkiga Alparslan Bayraktar.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo haatan tallaabadii ugu horreysay u qaaday difaaca Badda Soomaaliya ayaa maanta baarlamaanka dalkiisa u gudbiyay mooshin uu ku dalbanayo in ciidamo uu ku geeyo xeebaha Soomaaliya.

Arrintan ayaa daba socota heshiiskii difaaca ee ay horay u wada gaareen Soomaaliya iyo Turkiga , kaas oo la saxiixay bishii Febraayo ee sanadkan 2024-ka, ayada oo ujeedka uu yahay in Ankara ay la wareegto amniga iyo difaaca guud ahaan Badda Soomaaliya.

Erdogan ayaa mooshinka uu geeyay baarlamaanka ku dalbaday in la siiyo muddo labo sano ah, taas oo awood u siinaysa in Turkiga uu ciidamada baddda usoo diro Soomaaliya.

“Soo daabulidda ciidamada Turkiga waxaa la kaashan doona madaxda Soomaaliya, waxayna dabooli doonaan amniga badda ee Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweynaha Turkiga.

Waxaa kale oo uu qorshuhu yahay in maraakiib dagaal oo ka socda Turkiga ay soo gaaraan biyaha Soomaaliya, kuwaas oo ka ilaalin doono cadow iyo kalluumaysiga sharci-darada ah.

Tallaabadan ayaa lagu sheegay mid looga jawaabayo heshiiskii Itoobiya ay la gashay Somaliland bishii Janaayo, kaas oo ay ka caroortay dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale jirtay in horaantii bishan uu Turkiga isku dayayay inuu dhexdhexaadiyo, xalna laga gaaro xiisadda ka dhalatay badda, isaga oo martigeliyay wasiirada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Itoobiya, balse kulankooda uu kusoo dhamaaday natiijo la’aan.

Si kastaba, Turkiga ayaa ah dalka koowaad ee taageerada ugu badan siiyo dowladda federaalka, wuxuuna ka qayb qaataa dib u dhiska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Israel 21ka Luulyo  2024 Ugu yaraan 3 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay 87 kalana ku dhaawacmeen, kaddib marki ay diyaaradaha dagaalka ee Isra’il Sabtidi shalay duqeeyeen dekadda magaalada Xudeyda ee dalka Yemen.

Weerarkan ayaa yimid, maalin kaddib marki ay kooxda Xuutiyiinta ee taageerada ka hela Dowladda Iran ay gantaal nuuca riddada dheer ku dhufatay magaalada canagsiga Isra’il ee Tel Aviv, halkaas oo la sheegay in uu ku dhintay hal qof afar kalana ku dhaawacmeen.

Telafishanka Al-Masirah ee ku hadla codka Xuutiga ayaa sheegay, in dhaawacyada intooda badani ay yihiin gubniin kasoo gaaray dab ka kacay goobaha shidaalka lagu keydiyo ee dekadda, kuwaas oo ay bartilmaameedsadeen diyaaradaha f-15-ka Isra’il.

Afhayeen u hadlay milatariga Isra’il ayaa sheegay in dekadda Xudeyda ay Xuutiyiinta ay kala soo dagaan hubka uga yimaada Iran. Waxuu kaloo sheegay in meelaha kale ee ay beegsadeen ay ka mid yihiin xarumaha tamarta.

Dhanka kale, ayaa Sabtidi sii waday duqeymaha cirka ah ee ay ka wadaan Marinka Gaza, halkaas oo ay saraakiisha caafimaadka xaqiijiyeen dilka 29 Falastiiniyiin ah.

Dadka la dilay shalay waxaa ku jiray wariye lagu magacaabo Mohammad Abu Jasser, xaaskiisa iyo laba carruur ah oo uu dhalay, kaddib marki gurigooda oo ku yaalla waqooyiga Marinka Gaza la duqeeyay.

Xafiiska warbaahinta Gaza ayaa ku warramay in Maxamed Jaser uu noqday saxafigi 161-aad ee ay Isra’il ku disho Gaza tan iyo 7-badi bishi October.

Muqdisho  20ka Luulyo  2024  Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Sabtidii shalay guddoonka sare ee baarlamaanka Soomaaliya u gudbiyay mooshin ama soo jeedin ku saabsan hubka sharci darrada ah, dagaallada sokeeye iyo dhowrista xasaanada Xildhibaanada, kaasoo ay saxiixeen 18 xildhibaan oo ka tirsan Golaha.

Xildhibaan Cali Mahdi Qalato oo ka tirsan xubnaha gudbiyay mooshinkan ayaa faah-faahiyay ujeedkooda, wuxuuna sheegay inay xaq u leeyihiin keenista mooshin, maadaama ay yihiin xildhibaanno, ayna tahay inay la xisaabtamaan cid kasta oo gudan wayso shaqadeeda.

“Mooshinka sidiisa xildhibaannadu xaqbey u leeyihiin inay keenaan oo waxaa weeye ciddii shaqadeeda gabta in laga keeno waajib waayay, baalamamaanka sidiisaba wuxuu ku shaqeeyo waa mooshin” ayuu yiri Xildhibaan Cali Mahdi Qalato.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ujeedka mooshinka ay gudbiyeen uu yahay mid ku toosinayaan xukuumadda oo uu ku eedeeyay inay ku fashilantay shaqadeeda,

“Mooshinkii maanta waxaan rabnaa in aan dalka ku toosino, waayo xukuumaddan waxaan ka war heynaa sida ay maanta fadhiidka u tahay” ayuu mar kale yiri xildhibaan Qalato.

Waxaa kale oo uu ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh inuu kala diro xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza, isla markaana uu soo dhiso xukuumad cusub,

“Aniga waxaan qabaa in madaxweynaha Soomaaliyeed ay hal arrin u furan tahay dalkii maanta siyaasad waa lagu kala tegay arrimaheenna gudaha qalalaase ayaa ka jira, dalkii maanta cadow ayaa kusoo duulay waxaa laga rabaa Xasan Sheekh in xukuumadda uu kala diro, maadaama ay fashilantay oo uu soo dhiso xukuumad ka shaqeyn karta midnimada iyo qaranka Soomaaliyeed” ayuu kusii daray xildhibaanku.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan xiisad siyaasadeed ay ka taagan tahay dalka, taas oo leh wajiyo kala duwan, waxaana xaaladda ugu adag wajahaya xukuumadda.

Muqdisho  201a Luulyo  2024  Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ku aadan raashin dhacay oo dhowaan lagu qabtay dekedda wayn ee magaalada Muqdisho, kaas oo la doonayay in loo gudbiyo suuqyada Muqdisho, si loo iibiyo.

Hay’adda Taya-dhowrka Soomaaliyeed oo daba-gal ku sameysay raashinkan oo uu noociisu ahaa Bur ayaa ogaatay inuu dhacay, wuxuuna gaarayay illaa 7 kunteenar.

Intaas kadib waxaa kiiskan la wareegay xafiiska xeer ilaaliyaha oo baariis dheer kadib caddeeyay in Burkan uu yahay mid dhacay, wuxuuna kasoo saaray go’aan culus.

Xeer ilaaliye Mustaf oo dekedda kula hadlay Wariyeyaasha ayaa sheegay in la go’aamiyay in Burkan lagu celiyo dalkii laga soo dhoofiyay oo ah waddanka Turkiga.

“Baaritaan dheer oo caddeymo lagu lifaaqay oo maxkamadda iyo xafiiska xeer ilaalinta ugu jira ay wadaageen waxaa go’aan lagu soo saaray in lagu celiyo meeshii laga keenay” ayuu yiri xeer ilaaliye Mustaf.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Todobada kunteenar waa la raray annaga oo ku hubinay mid walba inuu yahay sidii lagu keenay laga soo bilaabo maalinkii la qabtay, illaa hadda waxaa ilaalinayay oo gacanta ku hayay ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee saldhigga dekedda”.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in warbixin baariiseedkan ay la wadaagi doonaan dowladda Turkiga, si loola xisaabtamo shirkadda soo daabusha oo dalkaas laga leeyahay.

“Dukumintiyada iyo caddeymaha la helay iyo warbixin baariseedka la sameeyay waxaa qaab diblumaasiyadeed loo gaarsiin doonaa dowladda Turkiga, ayada oo loo marsiinayo wasaaradda arrimaha dibadda, lala wadaagaayo safaaradda Turkiga” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo la go’aamiyay in shirkadda keentay Burkan dhacay magdhow ahaan looga qaado lacagtii ka baxday ganacsatada Soomaaliyeed ee lagu soo qaldan badeecaddaasi.

Ugu dambeyn hay’adda Taya-dhowrka iyo Xeer ilaalinta ayaa digniin culus u diray guud ahaan ganacsatada, waxayna sheegeen in tallaabi laga qaadi doono cid kasta oo raashin dhacay dalka usoo dhoofiso, maadaama uu halis ku yahay nolosha dadka Soomaaliyeed,

Muqdisho  201a Luulyo  2024 Allaha u naxariistee waxaa habeen hore magaalada Muqdisho ku geeriyooday caalimkii waynaa ee Soomaaliyeed Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cusmaan Xiddig), kaas oo isla shalay lagu aasay Muqdisho, waxaana aaskiisa ka qaybgalay kumaan kun oo dad ah una badan Jamaacadiisa.

Geerida Sheekh Cusmaan Xiddig kadib ayaa waxaa haatan soo kordhay arrin kale oo uu ka dhawaajiyay Ibraahim Cabdicasiis Faarax (Ciyow) oo Imaam ka ah Masjidka wayn ee Cali Jimcaale ee magaalada Muqdisho, kaas oo war yaableh kasoo saaray geerida marxuumka.

Ibraahim Ciyow ayaa soo saaray qoraal dheer oo ‘u muuqdo mid digasho ah’ wuxuuna si aad ah loogu baahiyay baaraha bulshada, kadib markii ay ka caroodeen dad badan.

Ninkan ayaa qoraalkiisa uga hadlay Kutubadii uu qoray Sheekh Cismaan Xiddig oo uu ku tilmaamay inay ka hadlaan shirki iyo la barakeysto maydkiisa.

“Geeridu digasho maleh laakiin mabaadi’da mujaamalo ma taqaan . Waxaan arkayay kuwa wahaabiyo ah oo leh “ sh cismaan xidig ilaaheey ha unaxariisto ,wuxuu allifay kutub badan oo naafico ah ……….” ayuu qoraalkiisa ku yiri Ibraahim Ciyow.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Nacam wuu allifay kutub lkn ma taqaan kutubtiisa oo ma aragtay ?? kulligood ama badankood wuxuu ku difaacayaa inta aan suufiyo isku haynayba oo mayd la baryo oo tawasul loo bixiyo iyo qubuuro laysku jiid jiido oo la baryo oo tabaruk uu ubixiyay iyo shirkiyaatkoodii iyo khuraafadoodii un , mana lahan nafci ee kutub baadi iyo shirki iyo khuraafo buu ka tagay , ilaaheey baana yaqaan sida uu yeelayo oo iiga naxariis badan”.

Muqdisho  20ka Luulyo  2024  Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta deegaan cusub kala wareegay kooxda Al-Shabaab, kadib howlgal culus oo ay ka sameeyeen gobolka Baay.

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxa ay ciidamada huwanta ah kula wareegeen deegaanka Jameeco oo qiyaastii 25 KM u jira degmadaasi.

War kasoo baxay kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay si buuxda ula wareegeen deegaankaas oo ah mid istaraatiiji ah.

“Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Jameeco oo qiyaastii 25km u jira degmada Buur-hakaba ku dilay xubno ka tirsan khawaarijta, iyagoo kala wareegay gacan ku haynta deegaankaasi” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa howlgalkan khasaare culus oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada dowladda.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa agagaarka degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Koonfur Galbeed ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka socday guluf ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku xoogan deegaanada maamulkaasi.

WARARKA MAANTA 19ka Luulyo  2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta  Yaa Dowlad Soomaaliya ka dhigay Dowlad la shaqaysata argagixisada Shabaab Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaase argagixisadda Shabaab ninkii ugu weynaa ka dhigay Wasiirka Diinta #Soomaaliya? Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa raba hadda in dalka uu gacanta u geliyo Shababa Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey ciidanka xoogga dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa iibsaday qabuuraha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay dalka keenaan hub sharci-darro ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Yaa diiday inay labada aqal wadashaqeeyaan? Yaa ogolaaday inay canshuur baad ah dul-saartaan ganacsatada iyo ganacsiga xaasaskiisa Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa shacabka #Muqdisho barakac iyo fowdo ku bilaabay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?    Ha Wiqleyso!

Muqdisho 19ka Luulyo  2024 Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan sahaminta iyo soo saarista Saliidda iyo Gaaska, iyadoo heshiiskan uu noqonayo tallaabo kale oo kor u qaadaysa xiriirka  u dhexeeya labada dal.

Heshiiska waxaa magaalada Istanbul ku kala saxiixday Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee dalka Turkiga, Alparslan Bayraktar iyo Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Wasiirka tamarta Turkiga ayaa ku dhawaaqay in Turkigu u diri doono markabkiisa cilmi baarista ee Oruç Reis si uu cilmi baaris ugu sameeyo aag ka baxsan xeebaha Soomaaliya dhamaadka sanadkan.

Bayraktar oo ka hadlay shirka jaraa’id ayaa sheegay, in Turkigu  siddeeddii sano ee u dambeeyay uu ku howlanaa dadaallada sahaminta gaaska dabiiciga ah, isagoo adeegsanaya awooddiisa maraakiibta qodista.

“Waxaan tusaale u aragnaa tan maanta, in heshiiskii aan Soomaaliya kula galnay hoolkan 7-dii March, 2024, uu maanta noqday mid la taaban karo,” ayuu raaciyay.

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa horraantii bishii Maarso kala saxiixday heshiis ku saabsan iskaashiga shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee xeebaha Soomaaliya.

Bayraktar ayaa intii uu khudbadiisa ku guda jiray waxa uu ku dhawaaqay in Turkiga uu sahamin doono Gaaska Dabiiciga ah iyo Shidaalka saddex qeybood oo ku yaalla Badda Soomaaliya.

Muqdisho 19ka Luulyo  2024 Hab hoggaaminta madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sida muuqata sii shaqeyn doonin, ayada oo loogu baaqay inuu sida ugu dhaqsaha badan wax uga beddelo.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh aysan usii socon doonin hab hoggaaminta ah “xaaladaha sideeda ku hay”, isaggoo tusaale usoo qaatay waxa hadda ka socda maamulka Galmudug.

“Waxa ka dhacaya Galmudug, bilaha soo socdana dalka ka dhici doona, waxay daaha ka rogayaan in aysan shaqayn doonin hab hoggaamintii madaxweynaha ee ahayd (retain the status quo). Waxaan dhexda ka geli doonaa mowjado siyaasadeed iyo dhacdooyin iswada, hoggaanka dalkuna daba ordo,” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan.

Siyaasaddu waa dan guud oo laga dhex doonayo dad kala damac ah oo dano is diidaya leh, waa dagaal aan dhiig ku daadan, sababtoo ah go’aannadeeda ayaa abuuraya godob iyo abaal, cadow iyo saaxib, taageero iyo diidmo, libin iyo jab, sumcad iyo magac xumo. Waa masiir ummadeed ee ma aha meel ilmo laga biisho ama muufo laga raadiyo.

Dhacdooyinka siyaasaddu waxay la mid yihiin hirarka badda oo hore iyo gadaal u socda, waa mowjado cartamaya, sawaxan iyo saxmad leh.

Madaxweyne Xasan ayaa tan iyo markii uu xafiiska dib ugu soo laabtay May 2022 ayaa u muuqday mid ku howl-galaya siyaasad keli-socod ah, isaga oo meel iska dhigay jiheynta iyo kala-qabashada saaxiibada iyo xubnaha kale ee maamulkiisa ka tirsan, waana midda uu ka deyriyay xildhibaanka.

Fagaarayaasha siyaasadda ayaa waxaa caan ka ah oo oraah sifeynaysa hab-maamulka madaxweynaha, taas oo dhaheysa “ninkii raaya ayaa reerka u haraya”, oo la macno ah in madaxweynaha uu isku fiirsado laba kasta oo loollamaysa, xataa haddii dhexdooda ay ku dhimanayso maslaxadda guud ee dalka.

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan

Dhacdooyinka waa in aad hagtaa oo aysan iyagu ku hagin, waxaa si fiican u tilmaamay Harry Truman oo ahaa Madaxweynihii 33-aad ee Maraykanka markuu yiri;

“Madaxweynuhu waa in uu dhacdooyinka ka sarreeyo, haddiise uu labalabeeyo, iyagaa ka sara mara”.

Waxa ka dhacaya Galmudug, bilaha soo socdana dalka ka dhici doona, waxay daaha ka rogayaan in aysan shaqayn doonin hab hoggaamintii Madaxweynaha ee ahayd, xaaladaha sideeda ku hay (retain the status quo). Waxaan dhexda ka geli doonaa mowjado siyaasadeed iyo dhacdooyin iswada, hoggaanka dalkuna daba ordo

Bangaladish 19ka Luulyo  2024 Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhintay Khamiistii shalay kadib markii ay isku dhaceen kumannaan arday ah oo ku hubeysnaa ulo iyo dhagxaan iyo ciidamada booliska magaalada Dhaca ee caasimadda dalka Bangladesh.

Rabshadihii shalay ayaa ahaa kuwii ugu khasaaraha badnaa tan iyo marki ay Bangladesh ka billowdeen mudaaharaadyada.

Ardayda dibad-baxa dhigayay ayaa waxay ka soo horjeedaan siyaasad ay dowladda soo rogtay oo shaqooyinka dowladda ka bannaan qeyb badan oo kamid ah siineysa dad gaar ah oo ka mid ah mujtamaca.

Dibad-baxayaasha ayaa dalbanaya in la soo afjaro nidaamka cusub ee kootada shaqada, kaas oo dhigaya in ilaa 30% shaqooyinka dowladda la siiyo qaraabada dadkii kasoo dagaallamay dagaalkii madax-bannaanida ee Bangladesh ee sannadkii 1971-kii.

Bannaan-baxyada ayaa xooggooda ka socda jaamacadda caanka ah ee Dhaka.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in muddo todobaad ah ay tirada dhimashada dadka lagu dilay mudaaharaadka ay gaareen 25 qof.

Muqdisho 19ka Luulyo  2024 Maamulka Galmudug ayaa soo dhaweeyay go’aannada uu xalay soo saaray golaha amniga qaranka ee la xiriira hubkii lagu boobay gobolka Galgaduud, kaasi oo uu gacan galay dadka deegaanka.

Galmudug ayaa ku wargelisay hay’adaha garsoorka iyo fulinta cadaaladda oo horay u bilaabay baarista dhacdadan inay iska kaashadaan hay’adaha federaalka ah ee lagu tilmaamay go’aanka kasoo baxay golaha amniga, sidii cadaaladda loo horkeeni lahaa kuwii ku lug lahaa falkaasi.

“Dowladda Galmudug waxay soo dhaweynaysaa go’aannada uu soo saaray golaha amniga qaranka oo la xiriira hubkii sharci-darrada ahaa ee sida dhuumaaleysiga ah lagu soo galiyay qeybo kamid ah deegaannada Galmudug,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Madaxtooyadda maamulka Galmudug.

Galmudug ayaa sidoo kale ka dalbatay hay’adaha garsoorka iyo fulinta cadaaladda inay deg deg cadaaladda u hor keenaan dadkii ka dambeeyay dhacdadan, oo horey maamulka tuhun uga muujiyay shaqsiyaad gaar ah.

Golaha amniga qaranka oo shalay yeeshay kulan aan caadi ahayn oo uu shir-guddoomiyay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa looga hadlay hubka sharci-darro ee lagu bililiqeystay gudaha dowlad-goboleedka Galmudug.

Go’aannada laga soo saaray kulanka waxaa ka mid ah; adkeynta kormeerka hubka iyo rasaasta, mamnuucidda iibinta iyo ka ganacsiga hubka, soo gudbinta warbixin faahfaahsan oo ku saabsan hubka sharci darrada ah iyo in si deg-deg ah maxkamad loo soo taago dadka ku lugta leh hawshan sharci darrada ah.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimada hirgelinta shuruucda xakameynta hubka iyo rasaasta, ayada oo kulankaas ay ka soo qeyb-galeen mas’uuliyiin sare oo dowladda ka tirsan.

Muqdisho 19ka Luulyo  2024Cadadka hubkii Isniintii lagu qaatay meel u dhow degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ee laga keenay dhinaca waddanka Itoobiya ayaa si weyn uga batay intii la faafiyay 48 saac ee lasoo dhaafay.

Dad xogagaal ah ayaa warinaya inuu hubka saddex jeer ka badan yahay intii warbaahinta Soomaalida faafisay, taas oo sawir ka siineysa culeyska dhacdada iyo khasaaraha maaliyaddeed ee gaaray raggii hubkaa watay.

Khasaaraha dhimashada ayaa sidoo kale gaaraya ku dhowaad 15 ruux, marka la isku daro ciidanka NISA iyo dadka hubka qabsaday.

Reerka uu hubka gacantooda galay ayaa ka digay in la isku dayo tallaabo milateri oo lagu baadi-goobayo hubka, taas oo uga sii dari karta xaaladda.

Deegaankana waxaa laga soo wariyay inay dadkiisa foojignaan galeen kadib markii dowladda madaxweyne Xasan Sheekh shalay sheegtay in awood ciidan lagu soo celinayo hubka.

Maamulka Galmudug ayaa isna sii daayey farriin uu kaga hadlaayo dhacdadan. Midda cajiibka ah waa in farriinta Galmudug ay wax badan ka macno iyo siyaasad qurxooneyd tii kasoo baxday dowladda federaalka ah.Galmudug waxay iska ilaalisay inay si weyn u eedeysay qabiilka uu hubka gacanta u galay, halka ay dowladda federaalka ah si adag ula hadashay reerka uu hubka xagooda maray.

Dowladda federaalka waxay sheegtay in maleeshiyo jidgooyo ah hubka qaateen, laakiin Galmudug wax maleeshiyo ah ma sheegin, iyada oo cid walba ogtahay cidda uu hubka maanta gacantooda ku jiro.

Galmudug ma sheegin in loo baahan yahay soo celin hubeysan, taas oo ka dhigan inuu hadda iyaga xal wada-hadal ah u furan yahay, halka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay markii hore wax walba kaga ciyaartay hadaladdii hanjaabadda ahaa ee ku qornaa warqaddii ay soo saareen.

Galmudug waxay sheegtay inay u cadaatay cidda hubkaan soo gelisay deegaankan, oo ay yihiin sida ay sheegeen dad markii horeba caan ku ahaa shaqooyinka noocaan ah, ayna cadaaladda horkeeni doonaan. Galmudug waxaa laga rabaa inay soo bandhigaan dadka ay sheegeen inay aqoonsadeen.

Labada farriimood ee kasoo kala baxay maamulka Galmudug iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa jirta meel ay iska khilaafsan yihiin, waana inay dowladda federaalka tiri hubkaan inaga la soconay oo soo qabanay, halka Galmudug ay iyaduna gaar u sheegatay inay howsha hubkaan la socdeen, shaqadana ay iyagu waddeen.

Siyaasadda hab qoraalka farqi weyn ayaa u dhaxeeyay, labada dhinacna hadda Galmudug ayaa u muuqata inuu u banaan yahay wada-xaajood hoose oo lala galo reerka uu hubka gacantooda galay, kaas oo wejigiisa hore uu bilowday.

Muqdisho 19ka Luulyo  2024 Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaqsiyaad cusub ku dartay liiska madow ee cunna-qabateynta maaliyadeed ee qaran, sida lagu soo saaray faafin rasmi ah.

Shaqsiyaadkan ayaa xilal sare ugu magacaaban kooxda Al-Shabaab, waxaana liiska cuna-qabateynta ku daray guddiga qaran ee ka hortagga lacag dhaqidda iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada (GQKLDH/LMA).

Saraakiishan Shabaab-ka ayaa waxaa ugu sareeya Abuukar Cali Aadan oo looga garan ogyahay ‘Xijaama’, waana ku-xigeenka horjoogaha kooxda, waana ninka ku xigga ninka Amiirka u ah ururkaan ee loo yaqaan Abuu Cubeyda.

Sidoo kale waxaa liiskan kasoo dhex muuqday oo ku jira horjoogaha Shuuradda ee kooxda iyo kan Wilaayaatka oo lagu kala magacaabo Xasan Yacquub (Abuu Cabbaas) iyo Maxamed Mire Jaamac (Mire).

Cuna-qabateynta lagu soo rogay shaqsiyaadkan ayaa waxaa gol-leeyahay in la yareeyo khataraha ficilada argagixisada iyo in xoojinta dagaalka dhanka maaliyadda, sida uu lagu sheegay bayaan kasoo baxay guddiga qaran.

“Guddigu wuxuu doonayaa in uu carqaladeeyo islamarkaana la cuna-qabateeyo shakhsiyaadka iyo hay’addaha taageera argagixisada, si sare loogu qaado nabad-galyada dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay guddiga.

Waa markii labaad ee guddiga qaran ee ka hortagga lacag dhaqidda iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada uu soo saaro magacyada dad la saaray cuna-qabateynta maaliyadeed, kana tirsan kooxda Al-Shabaab.

WARARKA MAANTA 18ka Luulyo  2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta  Yaa ka nasiib badan shacabka degnada Cabuudwaaq oo hubkii ay Dowladda Soomaaliya beelaha kale u qeybsay si fudud Illaahay nasiib ugu keenay? Maxuuse u caraysan yahay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Maxuuse Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” uu u rabaa in Madaxweynaha Dowladda #Galmudug Mudane Maxamed Cabdi “Qoor-Qoor” xilka laga qaado? Maxuuse Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye uu iskugu diray beesha Habargidir” Yaa canshuur badan ku soo rogay shacabka #Soomaaliyeed gaar ahaan Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Maxay tahay sababta Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” uu hubka uga soo gatay hadda u leeyahay #Ethiopia cadowbay noo tahay? 

 Ha Wiqleyso! 

Muqdisho 18ka Luulyo  2024 Ugaas Maxamed Ugaas Axmed oo ah ugaas guud ee beesha Sade ayaa nasiib darro ku tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay u gooddisay shacabkii gacanta ku dhigay hubkii sharci darrada ahaa ee lagu qabtay gobolka Galgaduud.

Ugaas ayaa sheegay, dowladda Federaalka in aysan waxba kasoo qaadin sida uu sheegay qatarta ay baajiyeen shacabka hubkaas gacanta ku dhigay oo uu sheegay in loo geystay xasuuq bahalnimo ah.

Waxa uu intaas ku daray in dhammaan beelaha Soomaaliyeed ay hubeysanyihiin, aysanna jirin cid lagu sameeyey hub-ka-dhigis.

“Sida la wada ogyahay, koox abaabulan, oo ka ganacsata hubka shircidarrada ah, ayaa saanad ciidan oo kontarabaan ah, soo gelisay Waqooyiga Galgaduud, 16kii July 2024. Hubkaas, oo ahaa mid aan lagu wargelin hoggaanka dhaqanka, madaxda maamullada iyo guud ahaan dadka deegaanka, ayaa qarka u saarnaa in uu gacanta u galo kooxo halis ah, qatarna galiyo amniga deegaanka, Galmudug iyo guud ahaan Dalka,” ayuu yiri Ugaas Maxamed.

Ugaasku wuxuu sheegay, ciidamada amniga ee galbinayey hubkaas in ay ku fashilmeen in ay shacabka ka qanciyaan walwalka amni ee la soo darsay, waxayna taa beddelkeeda ugu jawaabeen sida uu sheegay xasuuq galaaftay 12 qof, halka ay ku dhaawacmeen 50 muwaadin.

Ugu dambayn Ugaasku wuxuu dalbaday in si deg deg ah ay Dowladda Federaalka u qaadato mas’uuliyadda shacabkii ku dhintay  deegaanka Shiilmadow ee degmada Caabudwaaq.

Kenya 18ka Luulyo  2024 Waxaa mar kale dalka Kenya dib uga bilowday bannaan-baxyada ka dhanka ah dowladda, kuwaas oo ka dhacay magaalooyin dhowr ah.

Degmada Kitengela ee nawaaxiga koonfureed ee magaalada Nairobi, booliska ayaa si xiriir ah rasaas ugu riday jihada boqollaal qof oo mudaaharaadayay, sida uu xaqiijiyay wariye ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters.

Dadka qaar ayaa iyaguna dhagxaan ku tuurayay booliska, halka kuwo kalana ay gubayeen taayarro.

Wakaaladda wararka Rueters ayaa ku warrantay in deegaanka Kitengela lagu dilay qof ka mid ahaa dadki mudaaharaadka dhigayay. Hase yeeshee booliska oo arrintaasi wax laga weydiiyay ayaanan bixin wax jawaab ah.

Bannaanbaxyada oo ay horboodayeen dhalinyaro ayaa marki hore ku billowday si nabad ah, balse markii danbe isu baddalay rabsho, sida ay xaqiijiyeen dad goob-joog ah. Dadka bannaanbaxa dhigayay ayaa ruxayay calanka Kenya kuna qeylinayay “Ruto ha baxo!”.

Meelaha kale ee ay iskudhacyada booliska iyo kooxaha mudaaharaadka dhigayay ay ka dhaceen ayaa waxaa ka mid ahaa bartamaha Nairobi, halkaas oo ay ciidanka booliska adeegsadeen suntan dadka ka ilmeysiisa.

Wariyaasha ayaa sheegay in dhowr qof lagu dhaawacay isku hor-imaadyada booliska iyo bannaanbaxayaasha ee Nairobi.

Bannaan-baxyo kuwan lamid ah oo Kenya ka dhacay bishii hore ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 50 qof, halka ay ku dhaawacmeen boqollaal kale.

Dibad-bixii shalay ayaa imanaya saddex todobaad kaddib markii uu madaxweynaha Kenya, William Ruto uu 26-kii June ka laabtay qorshihiisii canshuur kordhinta qaran.

Muqdisho 18ka Luulyo  2024 Wasiirka amniga maamul goboleedka Galmudug Maxamed Aadan Gaboobe oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan hubkii maalin kahor lagu dhacay waqooyiga gobolka Galgaduud.

Wasiir Gaboobe ayaa sheegay in ka maamul ahaan aysan markii hore la socon hubkaas, balse ay ka war heleen markii uu soo galay xuduudka, kadibna ciidamo loo diray.

“Annaga waxaan ka war helnay marka uu xuduudka soo galay hubkan, kolley hay’adda sirdoonka ayaa la socotay iyada ayaana dirtay ciidanka” ayuu yiri wasiir Gaboobe.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan ay wadaan baaritaanno ku aadan cidda hubkaas soo gelisay Galmudug iyo halka uu ku socday, kadibna ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Dhiaca kale wasiirka amniga Galmudug ayaa soo hadal qaaday xiisadda haatan ka taagan degmada Caabudwaaq oo loo diray ciidamo horleh, wuxuuna tilmaamay in ujeedkooda aanu ahayn in la weeraro shacabka, kadibna si xoog looga soo furto hubka u gacan galay.

“Ma jirto xeelad xoog ama awood ciidan ah oo aan shacabka ugasoo celineyno hubka balse qorshe kale ayaan isticmaaleynaa” ayuu mar kale yiri wasiirka amniga Galmudug.

Maxamed Aadan Gaboobe oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in wada-hadal iyo shirar ay la yeelan doonaan waxgaradka deegaanka, si ay ugala shaqeeyaan soo celinta hubkaasi.

“Waxaa lala tashanayaa dadka waxgaradka ah dadka hubka wixii halis ah ee dhibaato u keenaya ayay muhiimadda tahay in la ogaado kadibna waxgaradka ayaa lala sheekeysan doonaa iyaga ayaana nagala qayb qaadan doonto” ayuu hadalkiisa kusii daray

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in hubkan lagu siday laba gaari oo xamuul ah, midna uu waday qoryaha kan kale rasaasta, dhammaana ay la wareegeen shacabka.

WARARKA MAANTA 17ka Luulyo  2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta  Yaa iska leh hubka ay helaan #shacabka Caabudwaaq? Maxayse Dowladda Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye’ u si tuugo ah hub ugu kala siinaayo beelo dagaalamaaya? Yaa raba inuu maanta inuu burburiyo #Galmudug Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye’? Maxayse Dowladda Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye’ u noqotay maafiyo/tuugo aan wax dastuur iyo sharci waafaqaynin? Maxuuse Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” diiday inuu sameeyo #Maqaamka #Muqdisho, Maxkammadda Dastuuriga ah Iyo guddiyadii madaxbanaanaa? Maxayse laba aqal ee baarlamaanka Soomaaliya uga aamusan yihiin dhibaatada iyo qaska siyaasadeed ee uu wado Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye’? Yaa argagixisada Shabaab la shaqaysta oo raba inay dadka Soomaaliyeed sii baabi’iyaan? 

 Ha Wiqleyso! 

Galmudug 17ka Luulyo  2024 Maamulka Galmudug ayaa sheegay hubkii maalmo ka hor gacanta u galay ciidamo maleyshiyo beeleed oo kasoo jeeda Cabudwaaq, inuu ahaa hub sharci darro ah oo loo waday in loogu adeego danahada kooxda Alshabaab, iyo iska horkeenidda shacabka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Maamulka Galmudug ayaa lagu sheegay inuu maamulku tallaabo ka qaadi doono cid walba oo ku lug lahayd hubkaas in lasoo galiyo gudaha deegaanada Galmudug.

“Dawlada Galmudug waxay si dhow ula socotay dhaqdhaqaaqa hubka laga soo tahriibiyey dhanka Itoobiya ee ku aaddan Waqooyiga Galgaduud. Hay’adaha Amniga oo ku dabajoogay ayaa isku dayey in ay gacanta ku dhigaan hubka, si looga hortago halista amni iyo xasilooni darrida uu hubkaasi abuuri karo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Galmudug.

Galmudug marnaba masoo hadal qaadin in ay doonayso in hubkaas lagasoo celiyo gacanta shacabka.  Waxayse sheegtay in ay ku guda jirtaa sidii caddaaladda loo hor keeni lahaa dadkii ka dambeeyay hubkaas in lasoo galiyo degaanadeeda.

Muqdisho 17ka Luulyo  2024 Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan golaha wakiillada ayaa tagay dalka Jabuuti dabayaaqadii bishii May, wuxuuna safarkaas xaqiijiyey maalmo ka hor mar uu warbaahinta la hadlay, isagoo sheegay in Jabuuti uu Passapor ka soo qaatay.

Intii uu Jabuuti ku sugnaa xildhibaan Abiib wuxuu bartiisa Facebook ku baahiyey sawir isaga iyo wasiirka maaliyadda Jabuuti Ilyaas Dawaleh ay galeen, isagoo soo raaciyey qoraal u dhignaa “Waxaan Wasirka ka wada hadalnay halka ay marayso hawsha jid isku xidhi doona Somaliland iyo Djibouti. Imikana wuxuu ii sheegay inuu ku hawlan yahay dardargalinta bilawga jidka labada dal isku xidhiidhi doona.”

Dhinaca kale, Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa hadda xaqiijiyay in ay jirto dacwadda ay ka gudbisay Xeer ilaalinta Somaliland, isagoo ka gaabsaday inuu faahfaahin bixiyo.

Qaar ka mid ah Khuburada sharciga ayaa sheegaya in marka la eego eedda xildhibaanka loo jeediyay ee xeer-ilaalintu dalbatay in maamus ka xayuubin lagu sameeyo ay u baahantahay in qodobbada la faah-faahiyo isla markaana si dhab ah loo ogaado waxa ay salka ku hayaan.

Maxamed Cabdi Afyare, oo ah sharci-yaqaan ayaa qaba in tusaale ahaan qodobbada lagu soo eedeyay, Xildhibaan Abiib sida inuu la kulmay xubno ka tirsan safaaradda Soomaaliya ay Jabuuti ay tahay in la ogaado waxa uu kala hadlay iyo faahfaahintooda, iyo in arrinta ciidamada Somaliland qudheeda la eego qaabka uu uga hadlay.

“Arrimahaas kaligood kuma filna in xildhibaan lagu soo eedeyo si xasaanadda looga qaado, arrimahaasi waxay u baahanyihiin ciidanka qaranka sida uu uga hadlay, ma siyaasadda lagu maamulyay ayuu dhaliilay,taasna xildhibaanku xaqbuu u leeyahay inuu ka hadlo,” ayuu yiri sharciyaqaan Maxamed Cabdi Afyare oo BBC la hadlay.

Gaza 17ka Luulyo  2024 In ka badan 60 qof oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jireen dumar iyo carruur yar yar ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay, duqeyn ay ciidamada Isra’il Talaadadi shalay ilaa xalay saqdi dhexe ku beegsadanayeen koofurta iyo bartamaha Gaza.

Meelaha ay ciidanka Isra’il gantaallada ku garaaceen ayaa waxaa ka mid aheyd goobo ay Isra’il u asteysay dhul zoon nabad ah oo ay dadka barakaca ah ku nabad-gali karaan.

Duqeynti ugu dhimashada badneyd ayaa Talaadadi shalay ka dhacday waddada weyn ee dhaxda ka marta suuqa magaalada Khan Younis, gaar ahaan xaafadda Muwasi.

Saraakiisha isbitaalka Nasser ee Khan Younis ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi lagu dilay ilaa 17 qof.

Duqeymo kale oo Isniintii iyo Talaadadi ay Isra’il ku garaacday xerooyinka qaxootiga ee Nuseirat iyo Zawaida ee bartamaha Gaza, ayaa la xaqiijiyay in ugu yaraan 24 qof lagu dilay.

Saraakiisha caafimaadka ee Isbitaalka Al Aqsa ayaa sheegay, degmada Deyral-balax in dadka la dilay ay ku jireen 10 haween ah iyo afar carruur ah.

Degmada Rafax ee koofurta Gaza, halkaas oo ay ciidamada Isra’il dagaalka ka wadeen tan iyo May, ayaa la xaqiijiyay in 5 Falastiiniyiin ah lagu dilay kaddib duqeyn cirka ah oo ay ciidamada Isra’il ku beegsadeen guri ay dadkaasi ku noolayeen.

Isra’il ayaa maalmihi lasoo dhaafay sare u qaadday weerarada cirka ah oo ay ku beegsaneyso xaafadaha dadka rayidka ah. Milatariga Isra’il ayaa sHase yeeshee, Xamas ayaa sheegtay, in duqeymaha aanan kala go’a laheyn ee ay ka waddo Gaza ay uga gol-leedahay in ay ku fashiliso wadahadallada xabbad-joojinta ee ay garwadeenta ka yihiin Mareykanka iyo qaar ka mid ah dowladaha Carabta.heegay in ay ku daba-jiraan saraakiisha Xamaas.

 Muqdisho 17ka Luulyo  2024  Wasiirka amniga maamul goboleedka Galmudug Maxamed Aadan Gaboobe oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan hubkii maalin kahor lagu dhacay waqooyiga gobolka Galgaduud.

Wasiir Gaboobe ayaa sheegay in ka maamul ahaan aysan markii hore la socon hubkaas, balse ay ka war heleen markii uu soo galay xuduudka, kadibna ciidamo loo diray.

“Annaga waxaan ka war helnay marka uu xuduudka soo galay hubkan, kolley hay’adda sirdoonka ayaa la socotay iyada ayaana dirtay ciidanka” ayuu yiri wasiir Gaboobe.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan ay wadaan baaritaanno ku aadan cidda hubkaas soo gelisay Galmudug iyo halka uu ku socday, kadibna ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Dhiaca kale wasiirka amniga Galmudug ayaa soo hadal qaaday xiisadda haatan ka taagan degmada Caabudwaaq oo loo diray ciidamo horleh, wuxuuna tilmaamay in ujeedkooda aanu ahayn in la weeraro shacabka, kadibna si xoog looga soo furto hubka u gacan galay.

“Ma jirto xeelad xoog ama awood ciidan ah oo aan shacabka ugasoo celineyno hubka balse qorshe kale ayaan isticmaaleynaa” ayuu mar kale yiri wasiirka amniga Galmudug.

Maxamed Aadan Gaboobe oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in wada-hadal iyo shirar ay la yeelan doonaan waxgaradka deegaanka, si ay ugala shaqeeyaan soo celinta hubkaasi.

“Waxaa lala tashanayaa dadka waxgaradka ah dadka hubka wixii halis ah ee dhibaato u keenaya ayay muhiimadda tahay in la ogaado kadibna waxgaradka ayaa lala sheekeysan doonaa iyaga ayaana nagala qayb qaadan doonto” ayuu hadalkiisa kusii daray

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in hubkan lagu siday laba gaari oo xamuul ah, midna uu waday qoryaha kan kale rasaasta, dhammaana ay la wareegeen shacabka.

 Muqdisho 17ka Luulyo  2024 Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac ayaa kormeer ku tegey xerada tababbarka ciidanka xoogga ee Jeneral Dhagabadan.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa halkaasi kula kulmay horin ka mid ah ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo qadanaya tababar sare loogu qaadayo xirfadooda ciidan, isaggoo isha soo saaray qeybaha kala duwan ee xerada.

Sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaare ku-xigeenka xariga ka jaray qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay dugsiga tababarka, kaasi oo uu gacan weyn ka geystay Midowga Yurub, oo ka taageeray Soomaaliya.

“Qaar kamid ah ciidanka uu tabarka u socdo ayaa iiga warbixiyey casharrada ay qaadanayaan iyo sida ay waxgal ugu noqon doonaan u-diyaarsanaantooda hawlgalladooda iyo guud ahaan amniga iyo xasiloonida dalka,” ayuu yiri mudane Saalax oo warbaahinta dowladda la hadlay.

Mudane Saalax ayaaa kula dardaarmay ciidanka uu tababarka u socdo in markii ay dhameystaan waxbarashada ay dalkooda ugu adeegaan daacadnimo, “waxaan idinkula dardaarmaya in aad ahaatan niman aaminsan inay wax wanaagsan qabanayaan, aadna Ilaahay ku xirnaatan.”

Dowladda federaalka ayaa muddooyinkii dambe sare u qaaday tababarka ciidanka, kuwaasi oo lagu tababarayo gudah dalka iyo dibadaba, si ay awood ugu yeeshaan hanashada amniga dalka, maadaama qorshuhu yahay inay dhowaan la soo gaba-gabeeyo hawl-galka ATMIS.

Ciidamada ayaa bilihii u dambeeyay ciidanka ATMIS kala wareegay saldhigyo muhiim ah oo ay ku sugnaayeen sanado badan, kuwaasi oo ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada Soomaaliya.

WARARKA MAANTA 163ka Luulyo  2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta  Yaa hubka hadda ka ganacsada Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye’ mise #Djibouti Madaxweyne Mudane Ismaaciil? Yaa hubka la qanimaystay Caabudwaaq iska leh? Maxayse tahay Dowladda Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye’ oo hubka dowladda si tuugo ah ugu soo rarayso baabuur shacabka leeyahay?  Maxayse tahay sababta loo weeraray Xabsiga Dhexe ee #Muqdisho? Meeqo argagixisadda AL-Shabaab ayaa ka dhex shaqaysa Dowladda #Soomaaliya? Yaa noqon doona Madaxweynaha soo socda ee Soomaaliya? Maxaase loo qabtay shacabkii laga barkiciyey #Dabdamiska? Yaa dalka Soomaaliya ka dhigay dalka ugu musuqmaasuqa badan? Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye’?  Ha Wiqleyso! 

 Puntland 16ka Luulyo  2024 Maamulka Puntland ayaa sheegay hubkii shalay lagu qabtay degaanka Shiilo Madow ee gobolka Galgaduud uu khatar weyn ku yahay xasiloonida Gobolka iyo Nabadda Soomaalida dhexdeeda. Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi faarax Saciid Juxa ayaa sheegay, hubkaan sharci darrada ah ee lagu qabtay gobolka Galgaduud inuu qeyb ka yahay natiijada ka dhalatay qaadista cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya, taasoo uu sheegay inay ahayd tallaabo lagu degdagay.

“Waa khalad weyn in xayiraadda hubka laga qaado dal aan lahayn Dawlad sharci ahaan iyo siyaasad ahaan heshiis lagu yahay. Dal aan sugi karin xuduudiisa, kana wada talin dalkiisa; dadkiisuna heshiis ahayn,” ayuu yiri wasiir Juxa.

Wasiirka Caddaaladda Puntland, Maxamed Cabdiwahaab ayaa dhankiisa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay doonayso inay dagaalo sokeeye ka curiso Puntland iyo Galmudug. Wuxuuna sheegay ujeeddada laga leeyahay in ay tahay si aan doorasho iyo isla xisaabtan looga hadlin muddo kororsina uu u helo madaxweyne Xasan Sheikh.

“Hubka gacanta u galay bulshada Caabudwaaq wuxuu ka mid yahay hagardaamooyinka iyo dagaalada sokeeye ee dowladda Federaalku ka waddo Mudug iyo Galgaduud oo hubkaanu ku socdey si loo khalkhalgaliyo nabadda Puntland iyo Galmudug,” ayuu yiri wasiirka Caddaaladda.

Puntland ayaa horey u sheegtay in labada sano ee uu madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud xilka hayo, inay sii kordheen colaadda beelaha dhexdooda ah iyo kala aamin baxa qabaailada wadda deggen.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Federaalka Soomaaliya weli wax jawaab ah kama bixin dhacdada hubka, iyo eedeymaha loo jeedinayo ee ku saabsan in ciidamada NISA ay ku lug lahaayeen hubkaan gudbintiisa.

 Muqdisho 16ka Luulyo  2024 Dowladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed rasmi ah ka soo saartay dagaal galabta lagu laayey Al-Shabaab oo ka dhacay gobolka Galgaduud, gaar ahaan dhulka miyiga ah ee u dhaxeeya deegaanada Mesegawaay iyo Cawsweyne, halkaas oo lagu weeraray Shabaab is uruursanayey.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda warfaafinta DF:

In ka badan 50 Khawaarij ah ayaa lagu dilay howlgal ay si wadajir ah u sameeyeen Ciidanka Qaranka, Geesiyaasha Dadka Deegaanka iyo Saaxiibada Caalamka, kaasi oo ka dhacay deegaanka Dhabaqle oo ku yaala inta u dhaxaysa magaalada Masagaway iyo deegaanka Cawsweyne ee gobalka Galgaduud.

Xubnaha lagu laayay howlgalkaan ayaa isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah, waxaana howlgalku uu ka danbeeyay ka dib markii Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada degaanka ay heleen xogta cadowga oo isku aruursanayay halkaas.

Geesiyaasha Ciidanka Qaranka iyo dadka deegaanka ayaa hadda ku sugan goobihii dagaalku ka dhacay, iyadoo wali lagu raad joogo maleeshiyaad fara ku tiris ah oo isku dayaya inay naftooda la baxsadaan.

Dhanka kale, maalmihii ugu danbeeyay Ciidanka Xoogga Dalka oo ay garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed waxay cadowga jab xoogan ku gaarsiiyeen deegaanka Beerayabaal oo hoostaga degmada Buulo Burde ee gobalka Hiiraan, iyagoo sidoo kale gacanta ku dhigay deegaanno ka tirsan Jubbooyinka kuwaas oo hadda shacabka ku nool ay gaDowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibada caalamka waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta nafla caariga ah ee duulaanka ku ah dalkeena, dadkeena iyo diinteena.artay neecawda dowladnimada.

Maraykanka 16ka Luulyo  2024 Madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in J.D. Vance oo ah senator laga soo doorto gobolka Ohio, uu noqon doono madaxweyne ku xigeenkiisa, haddii uu ku guuleysto doorashada madaxtinimada Mareykanka ee sannadkaan.

“Ka madaxweyne ku xigeen, J.D. wuxuu sii wadi doonaa inuu u dagaallamo dastuurkeenna, wuxuu garab istaagi doonaa ciidamadeenna,” ayuu yiri Trump oo markale u ordaya xilka u sareeya Mareykanka.

Waxa uu intaas kusii daray “J.D Vance wuxuu sameyn doonaa wax walba oo uu kari karo si uu iiga caawiyo in aan Ameerika mar kale ka dhigto mid weyn.”

Vance, oo 39 jir ah, ayaa mar ka mid ahaa dadka sida aadka ah u dhaliila Trump. Sannadkii 2016-kii marki uu Trump u tartamayay doorashadi uu ku guuleystay, wuxuu Vance kamid ahaa dadkii mucaaridksanaa, hase yeeshee wixii markaasi ka danbeeyay wuxuu kamid noqday difaacayaasha daacadda u ah Trump.

Waxyar kaddib marki uu Trump ku dhawaaqay in JD Vance uu u magacaabay madaxweyne ku xigeenkiisa tartanka doorashada, ayuu Vance kasoo dhex muuqday xarunta uu ka socdo shirweynaha qaran ee xisbiga Jamhuuriga ee magaalada Milwaukee, isaga iyo xaaskiisa Usha oo ah ah gabadh asal ahaan kasoo jeeda Hindiya.

J.D. Vance ayaa ku dhashay kuna koray magaalada Middletown ee gobolka Ohio. Wuxuu kamid noqday ciidanka badda Mareykanka, isaga oo kasoo dagaallamay dalka Ciraq.

Wuxuu markii danbe wax ka bartay jaamacadaha Ohio State iyo Yale, ka hor inta uusan galin siyaasadda sannadkii 2020-kii. Isaga oo sannadki 2022-kii loo doortay mudane ka tirsan Golaha Senatka Mareykanka oo uu kasoo galay gobolka Ohio.

 Caabudwaaq 16ka Luulyo  2024 Shacabka iyo maleeshiyaadka hubeysan ee degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa bililiqeystay hubkii ugu badnaa oo dhanka Itoobiya laga soo geliyey deegaanada Galmudug, kadib markii ay jidka u istaageen gaadiidkii waday.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah, ugu yaraan 3 gaari oo nooca xamuulka qaada ah ayaa lagu waday hubkaas, waxaana laga keenay gudaha dalka Itoobiya.

Si rasmi ah looma oga cidda iska leh hubkaas, balse xogaha hoose ee Caasimada Online ay heleyso waxay sheegayaan in siyaasiyiin reer Galmudug ay soo iibsadeen, isla markaana ay doonayeen inay geystaan Dhuusamareeb oo doorashada soo socota ee Galmudug ay ku boobaan.

Ragga hubkaas iska leh oo dhowr group ah, waxaa la sheegay inay u badan yihiin kooxdii Nabad iyo Nolol, waxaana hubkaan gudaha Itoobiya ka soo iibiyey Kulane Jiis oo ka mid ah xildhibaanadii kuraasta soo boobay, sida ay noo xaqiijiyeen xubno xog ogaal ah.

Taliyaha Nabad Sugidda Qaranka ee qeybta Galmudug ayaa hubkaas u diray ciidan ka soo gudbiya deegaanada u dhaxeeya Dhuusamareeb ilaa xaduuda Itoobiya, balse maleeshiyaad aad u hubeysan ayaa u galay duleedka Caabudwaaq, waxaana halkaas ka dhacay dagaal looga taag-roonaaday ciidankii hubka gelbinayey ee NISA.

Askar badan ayaa laga dilay ciidanka NISA ee gelbinayey gaadiidkii hubka siday, waxaana maleeshiyaadkii u suurtagashay inay la wareegaan gaadiidkii hubka ka keenay dhanka Itoobiya, intaas kadibna waxaa bilaabatay bililiqo culus.

Hubkii uu siday gaadiidkaas ee ciidanka NISA ay gelbinayeen oo u badnaa AK47, BKM, Dhashiike iyo Bistoolado ayaa gacanta u galay maleeshiyaadka, kuwaas oo muuqaalo iska soo duubay iyagoo hubka kala boobaya, isla markaana ula firxanaya dhanka magaalada.

Xogaha ay Caasimada Online heleyso waxay intaas ku darayaan in dowladda federaalka aysan waxba kala socon hubkaas laga soo daabulay gudaha dalka Itoobiya ee galabta lagu bililiqeystay duleedka Caabudwaaq.

Taliyaha NISA ee Galmudug ayaa caawa loo heystaa sababta uu ciidan soo gudbiya ugu diray hubkaas, si gudaha dalka loo soo geliyo, isagoo aan la wadaagin Taliska guud ee hey’adda NISA, Taliyaha oo lagu magacaabo Feysal Caanood wuxuu ka soo jeedaa isla Caabudwaaq.

Xaaladda degmada Caabudwaaq ayaa caawa kacsan, inta badan dadka ku nool degmadaas waxaa gacanta u galay hub aad u badan, waxaana Caabudwaaq iyo deegaanada ku hareereysan ka taagan colaado qabaa’il, xitaa beesha Mareexaan ee degta Caabudwaaq ayaa jifo-jifo u dirirta.

Dhinaca kale, Dhuusamareeb oo ay joogaan siyaasiyiintii loo waday hubkaas ayuu caawa ka taagan yahay guux badan oo siyaasadeed, wararka soo baxaya waxay sheegayaan in Madaxweyne Qoor Qoor iyo musharax Liibaan Shuluq ay wax ka ogyihiin hubkaas laga keenay Itoobiya ee loo soo waday Dhuusamareeb, balse lagu dhacay Caabudwaaq.

Ma jiro hal siyaasi oo ku dhiiran kara in milkiyadda hubkaas uu sheegto, waxayna caawa xaaladu ku cakiran tahay ragii lahaa hubkaas oo ku cayrtoobay, halka sarkaalkii ugu sareeyey NISA ee wax ka ogaa ay DF u heysato sababta uu u qariyey xogta hubkaas ee hadana uu ciidan soo gelbiya ugu diray.

 Muqdisho 16ka Luulyo  2024  Gobolka Banaadir oo ay ku nool yihiin ku dhawaad 3.5 million waxaa dowladda Federalka uu ka helaa 15% oo kaliya dakhliga Dekedda ,halka 85% dakhliga guud ee dhammaan inta canshuur la qaado uu ku baxo dowladda Federalka ah oo aan ognahay iney matalaad u tahay Soomaali oo idil.

Wasaaradda Maaliyaddu dakhli kama hesho maamulada kale sida:

  • Puntland
  • Somaliland
  • Koofur Galbeed
  • Jubbaland
  • Hirshabeelle
  • Galmudug

Magaalada sidaas canshuurta u bixiso ma jirto wax adeeg ah oo bilaash oo dowladdu bixiso marki laga soo tago Jaamacadda Ummadda iyo Iskuulo waxbarsho oo dowli ah oo qaarkood si billaash lagu dhigto, gaar ahaan Dugsiyada hoose iyo dhexe.

Intaas waxaa u sii dheer mashaariic ay Wasaaradda Maaliyaddu ka warheyso oo dakhligeeda ınta badan bannaanka lagu maamusho oo shirkado gaar ah maamulaan, iyadoo ay dowladda Federaalka ah ay leedahay ku dhawaad 6,000 oo shaqaale rayid ah, haddana howlaha canshurH ıyo adeegyadii ay laheyd waxaa qabta shirkado gaar loo leeyahay.

Haddaba Wasaaraddu iyadoo gabtay wanaajinta maamulka maaliyadda ayaa waxay rabtaa inay khaladkeeda ku qariso inay canshuur dul dhigto dadka reer Muqdisho oo kaliya.

 Muqdisho 16ka Luulyo  2024  Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee deegaanada Jubbaland ayaa saakay dil toogasho ah ku fulisay shan nin oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Raggan ayaa horay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland uga gaystay dilal kala duwan, waxayna kooxda u qaabilsanaayeen dilalka qorsheysan ee madax-jebinta ah.

Dadka ay horay u dileen ragga maanta la toogtay ayaa waxaa kamid ahaa Sheekh Cumar Maxamed Daahir, Sheekh Cabdullaahi Dalab iyo Ugaas Aadan Maxamed Geedi oo caan ka ahaa magalaada Kismaayo.

Sidoo kale waxay raggaan qaraxyo iyo dilal kale oo deegaanada maamulka Jubbaland ay ka geysteen ayey maxkamaddu ku heshay 5-taas nin, waxaana ugu dambeyntii maanta lagu fuliyey qisaasta dadkii ay dileen.

Horay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sidaan oo kale xukuno dil ah ugu fulisay xubno Shabaab ah diall geystay, kuwaasi oo inta badan kooxda u qaabilsanaa waxa ay ugu yeerto “madax-jebiska”.

Sidoo kale waxay imaaneysa xilli ay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay muddooyinkii dambe kordhisay fulinta dilalka toogashada ee ay horay u ridday.

Si kastaba, waxaa weli xabsiyada dowladda ku jira dad dilal geysatay iyo xubno ka tirsan Shabaab oo iyagana sugaya in la geeyo tiirka cadaaladda, maadaama la xukumay.

Galmudug 16ka Luulyo  2024  Maamulka Galmudug ayaa markii ugu horreysay ka hadlay hubkii ugu badnaa oo shalay laga soo geliyay dhanka Itoobiya, laguna bililiqeystay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Wasiir ku-xigeenka amniga Galmudug Cali Baashi Cabdullaahi ayaa sheegay in maamulka uusan ka war-hayn xogta hubkaasi, ayna gudaha maamulkaasi kusoo galeen inay sideen anteenooyinka isgaarsiinta, isaggoo sheegay inay bilowdeen baaritaanno la xiriira dhacdadaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay baarayaan cidda iska leh hubkaasi, oo hadda u gacan galay shacabka iyo maleeshiyaadka hubeysan ee degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, kuwaasi oo si xoog ah kula degtay.

Baabuurta hubka sidday ayuu sheegay in markii hore lagu sheegay inay sideen anteenooyinka isgaarsiinta, balse mar dambe uu yimid tuhun, kaasi oo keenay in maleeshiyaadka deegaanka ay jid-gooyo ugu dhigtaan deegaanka Shiilo Madow, halkaasi oo uu ka dhacay dagaal saacado badan qaatay.

“Waxaa wadnaa baaritaan ku saabsan hubkaan cidda iska leh iyo sababata loo soo galiyay Galmudug,” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka amniga Galmudug oo sheegay inay walaac aad u weyn ka qabaan hubka gacanta u galay dadka shacabka ah, maadaama uu ka qeyb qaadan karo colaadda gobolka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in maamulka uusan xaqiijin karin in hubkaasi ay galbinayeen ama ay ilaalo ka ahaayeen gawaarida hubka sidday, isaggoo ku gaabsaday in wax walba lagu ogaan doono baaritaanka bilowday marka uu soo idlaado.

Iska hor-imaadka dhex-maray maleeshiyaadka deegaanka iyo ilaalada gawaarida hubka sidday ee la furtay ayaa waxaa ka dhashay khasaare horleh, ayada oo ku geeriyoodeen ku dhawaad 20 qof ayaa ku geeriyooday, halka tiro kalena ay ku dhaawacantay.

Xaaladda degmada Caabudwaaq ayaa weli kacsan, inta badan dadka ku nool degmadaas ayaa waxaa gacanta u galay hub aad u badan, waxaana Caabudwaaq iyo deegaanada ku hareereysan ka taagan colaado qabaa’il, xitaa beesha Mareexaan ee degta Caabudwaaq ayaa jifo-jifo u dirirta.

WARARKA MAANTA 153ka Luulyo  2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta  Yaa Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye’ qarxinaaya #Muqdisho ma Dowladda iyo #Shabaab? Maxaayse Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye’ u diiday inaad #Maqaamka #Muqdisho u samayso Shacabka #Muqdisho? Maxaase Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye’ u diiday in aad samayso Maxkammadda Dastuuriga ah? Yaa wax ka beddelay dastuurka federaalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye’? Yaa diidan inay dowlad gobaleedyada iyo Dowladda Soomaaliya wadashaqeeyaan Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye’? 

 Ha Wiqleyso! 

 Muqdisho 15ka Luulyo  2024 Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay qarax Ismiidaamin ahaa oo Xalay lagu weeraray Maqaayad ku taala degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho. Qaraxa Ismiidaaminta oo ahaa mid kooxda Al-shabaab ay u adeegsatay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 5 ruux oo shacab ahaa, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 20 ruux oo kale.

Maqaayada Qaraxa Ismiidaaminta ah lagu weeraray oo lagu magacaabo Top Coffe ayaa la sheegay iney waqtigaas ku sugnayeen dhalinyaro badan oo halkaas ku daawanaayay Ciyaarta Finalka aheyd ee u dhaxeysay Spain iyo England.

“14-july-2024 abaaro 10:28pm Kooxaha Argigixisada ah ee Caadeysatey in ay la dagaalamaan horumarka iyo Nabadda Bulshada Soomaaliyeed waxay Gaari ay ka soo buuxiyeen Walxaha Qarxa Baakimeen Goob Maqaayad ah oo lagu magacaabo (Top) oo ay Dhalinyara Soomaaliyeed ay ku caweynaysay oo ku Taala Degmada Boondhere, waxaana la xaqiijiyey ilaa hada geerida 5 Qof iyo ilaa 20 qof oo Dhaawac fudud ah . Waxaa jira Qasaare Hanti oo u badan Baabuur ay lahaayeen Dhaliyarta Goobta ku caweynaysay” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Booliiska Soomaaliya.

Qaraxaan Ismiidaaminta ee Xalay ka dhacay Muqdisho ayaa kusoo beegmaya, iyadoo magaalada dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay ka nasatay weerarada noocaan oo kale ah oo ay kooxdu ka geysan jirtay gudaha magaalada Muqdisho.

Muqdisho 15ka Luulyo  2024  Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa balan-qaaday in dalacsiin loo samey doono askarigii isku dayey inuu xakameeyo kooxdii maxaabiista aheyd ee weerarka ka geysatay gudaha Xabsiga Dhexe ee Xamar, sidoo kalena taalo loo dhisi doono askarigaas oo shalay dhintay.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa maanta sheegay in askari ka tirsanaa ilaalada xabsiga dhexe ay raggii maxaabiista ahaa isku dayeen inay furaha qolkii ay ku jireen ay xoog uga qaataan, balse uu sameeyey naf hurnimo badbaadisay dad badan.

Raga fuliyey weerar ayaa ku xiraa hal qol, askarigii hayey furaha qolka ay ku jireen ayay u yeereen, wuxuu soo istaagay irida, kadibna waxay ku qabteen qori, waxayna ku amreen inuu dhiibo furaha, balse go’aan ayuu qaatay, wuxuuna si deg deg ah u tuuray furihii.

Markaas ayey bilaabatay rasaastu, ragii waxay toogteen askarigii, kadibna waxay xabado ku fureen Albaabka iyo qunfulkii saaraa, waxayna fursad u heleen inay banaanka u soo baxaan, balse wuxuu loo diiday jaanis ay ku baxsadaan.

Ciidankii ilaalada ka ahaa Xabsiga Dhexe ayaa ku dadaalay in ragaasi aysan baxsan, sidoo kalena aysan geysan khasaare badan, waxaana markii dambe lagu guuleystay in 5-tiiba la toogto, iyagoo dagaalamaya.

Ragaas waxay galaafteen nolosha 3 askari oo ninka taalada loo dhisayo uu ku jiro, sidoo kale waxay dhaawaceen 18 maxbuus iyo 3 askari oo kale, sida uu shalay sheegay afhayeenka ciidanka Asluubta Soomaaliya.

Taliyaha Asluubta Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan ayaa sheegey in isla maanta uu dhagax-dhigayo taalada askarigii diiday inuu furaha siiyo dhagarqabayashii weerarka fuliyey, sidoo kale wuxuu sheegay in loo samey doono dalacsiin, isagoo geeriyooday, si loo maamuuso kaalintiisa iyo geesinimadiisa.

Ragga weerarkaas geystay waxay ahaayeen 5 nin oo horay maxkamadda ciidamada ay dil toogasho ah ugu xukuntay, kadib markii lagu helay dilal ay geysteen, maadaama ay ka tirsanaayeen Khawaarijta.

Muqdisho 15ka Luulyo  2024  Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya waxaa maanta ka dhacay banana-bax ay dhigeen qaar ka mid ah macalimiin dugsiyada dowladda wax ka dhiga, kuwaas oo ka cabanaya farriin uga timid wasaaradda oo loogu sheegay ‘inay iska tagaan.’

Cabashadaan ayaa ka dhalatay farriin macalimiinta uga timid wasaaradda waxbarashada, taas oo loogu sheegay in mushaarkooda uu ku egyahay 31-ka bisha soo socota ee Agosto.

Waxay soo qaateen boorar ay ku qoran yihiin farriimo ay ku jirto “Macalin soo shaqeeyay 11 sano in la yiraahdo iska bax cadaalad miyaa?” waxaa xusid mudan in hal ku dhigyo kale ay ku qoraayeen boorarka ay macalimiintu wateen maanta, waxaana ka mid ahaa hal ku dhigyada kale “100-kii hore banaanka gey ee boqol kale boosas sii cadaalad maaha.”

Macalimiinta qaar waxay la hadleen warbaahinta waxayna gudbiyeen cabashadooda, intii ay banaanbaxayeen waxay ku qeylinayeen “Cadaalad hala arko, dulmi dooni meyno” iyo erayo kale oo ay kaga soo horjeedaan qorshaha wasaaradda.

Macaalimiinta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shaqada loo qaatay sanadkii 2015-kii, kadib markii wasaaradda waxbarshada ay u baahatay barayaal dugsiyada dowladda wax ka dhiga, “Shaqadaan waxaan u galnay imtixaan, waxaana sidaas nagu qaadatay wasaaradda 7 sano ka hor,” ayuu yiri mid ka mid ah macalimiinta.

Qaar ka mid ah macalimiin arrintaan ka hadashay waxay ku doodayaan in ay soo mareen marxalado kala duwan, intii ay shaqada ku jireen, waxay ku cataabeen in shaqadaan ay soo hayeen sanado ay Muqdisho ka dhacayeen dilal qorsheysan oo dadka la beegsanayo ay ku jireen, sidoo kale ay meelaha qaar ka dhacayeen dagaal toos ah iyo qaraxyo galaaftay qaar badan oo saaxiibadood ahaa.

Macalimiinta cabashada qabta ee faiinta loo diray waxaa ka mid ah Macalin Khadiija Sheekh Abuukar waa bare wax ka dhigta dugsiga Ex-Karaan, waxay la hadashay BBC waxayna sheegtay in ay shaqada macalinimada soo bilowday sanadkii 1988-kii, xiligaas oo dowladdii dhexe ay u qaadatay in ay wax ka dhigto dugsiyada hoose iyo dhexe.

Khadiija sidoo kale waxay ka tirsan tahay guddiga macalimiinta cabanaya, waxayna sheegtay in ay dowladda u direen fariimo badan, balse ilaa hadda aysan ka hayn wax jawaab ah.

Cabashada macalimiintaan waxay ku soo aadeysaa iyadoo wasaaradda waxbarashada ay dhawaan shaacisay inay qaadaneyso 3,000 oo macalin, halka sanadkii hore ay qaadatay oo shaqaaleysiisay 3,000 oo kale, qorshaha dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah in dowladdu qaadato 1,000 oo macalin sanado kooban gudahood.

Muqdisho 15ka Luulyo  2024 Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo qarax ismiidaamin ahaa oo xalay kooxda Al-Shabaab ka fulisay magaalada Muqdisho, kaas oo lala eegtay dad badan oo ku sugnaa maqaayad ku taalla gudaha degmada Boondheere.

Cumar Xuseen oo kamid ah dadkii ku sugnaa maqaayadaas oo lagu magacaabo Top Coffee ayaa bixiyay xog ku aadan sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in isaga iyo asaxaabtiisa ay goobta ku sugnaayeen xilliga uu dhacaya qaraxa oo gaari loo adeegsaday.

“Xalay meeshaan waxaa ka dhacay musiibo aad u wayn qaraxa wuxuu dhacay abaare 10:00 haeenimo runtii meesha waa ku shaaxeyneynay sida idin muuqato qarax wayn ayaa halkan ka dhacay waxaana ka dhashay khasaare kala duwan” ayuu yiri Cumar Xuseen.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in goobta ay u dhinteen qaar kamid ah saaxibadiisii oo ay wada joogeen, halka ku kalena ay ku dhaawacmeen, balse uu isagu badbaaday.

“Tiro badan oo kamid asxaabteyda meeshan way ku geeriyootay ilaahey ha u naxariisto, kuwa kalena way ku dhaawacmeen” ayuu mar kale yiri Cumar Xuseen.

Waxaa kale oo uu yiri “Maqaayaddu waxay ahayd maqaayad iska caad ah oo dhalinyarada iyo dadka kaleba ay ku shaaxeeyaan, waxayna ahayd maqaayadda ugu caansan degmada Boondheere”. Taliska ciidanka Booliska Soomaliya wuxuu warbixinta hordhaca ah ku sheegay in 5-qof ay ku geeriyoodeen, ku dhowaad 20 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxaas, sidoo kale waxaa jira gaadiid iyo goobo ganacsi oo ku burburay qaraxa.

Waxaa sidoo kale weli socota qiimeynta khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas, sida ay qortay warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan.

Markii laga soo tago khasaaraha baaxada leh ee gaaray dadkii ku sugnaa maqaayadda la weeraray, wuxuu khasaare badan soo gaaray dadkii saaraa gaadiid Mooto Bajaaj u badan oo marayey jidka, gaar ahaan laamiga isku xira isgoyska Shabeelle ee Daljirka iyo isgoyska Jubba.

Si kastaba, halka uu qaraxani ka dhacay waa goobtii 2021 lagu qarxiyey Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Afrika, waxaana laga furay maqaayad cusub oo lagu magacaabo Top Coffee, taas oo xalay iyana la beegsaday.

Muqdisho 15ka Luulyo  2024 Maamulka gobolka Banaadir oo tallaabadii ugu horreysay qaaday, kadib weerarkii ismiidaaminta ee xalay ka dhacay maqaayadda Top Coffee oo ku taal degmada Boondheere ayaa saaka howlo nadiifin ah ka bilaabay halkaasi.

Agaasime ku xigeenka waaxda nadaafada gobolka Banaadir oo goobta kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ku howlan yihiin nadiifinta goobta ay mashaqadu ka dhacday oo dad badan ay ku dhinteen, kuwa kalena ay ku dhaawacmeen, sidoo kale uu ka dhashay burbur xoogan.

“Waad aragtaan meeshaan waa meeshii ay musiibada ka dhacday xalay, illaa saaka maamulka gobolka Banaadir uma kala harin, waaxda nadaafadda iyo dhamaan gurmadka xalay oo dhan waa taagnayn, haddana waxaan rabnaa musiibadan dhancday inaan meesha ka nadiifino” ayuu yiri agaasime ku xigeenka waaxda nadaafada gobolka Banaadir.

Ujeedka waxa uu tilmaamay inuu yahay in waddadaas la furo, isla markaana ay halkeeda kasii socoto shaqo maalmeedkii ka jiray halkaasi.

“Waxaa nadiifineynaa goobta, si ay shaqada halkeeda uga sii socoto waxaan ku jiraa hadda howshii oo gabagab noo ah” ayuu sii raaciyay.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Sida uu warka igu soo gaaray khasaaraha wuu yasiran yahay meesha sidii loo maleynaayay waxba ugama dhicin”.

Qaraxan oo ahaa ismiidaamin ayaa waxaa mas’uuliyaddiisa sheegatay kooxda Al-Shabaab, waxaana lala eegtay dad badan ku fiidsanayay maqaayadda la qarxiyay.

Booliska Soomaliya wuxuu warbixinta hordhaca ah ku sheegay in 5-qof ay ku geeriyoodeen, ku dhowaad 20 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxaas, sidoo kale waxaa jira gaadiid iyo goobo ganacsi oo ku burburay qaraxa.

Waxaa sidoo kale weli socota qiimeynta khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas, sida ay qortay warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan.

Markii laga soo tago khasaaraha baaxada leh ee gaaray dadkii ku sugnaa maqaayadda la weeraray, wuxuu khasaare badan soo gaaray dadkii saaraa gaadiid Mooto Bajaaj u badan oo marayey jidka, gaar ahaan laamiga isku xira isgoyska Shabeelle ee Daljirka iyo isgoyska Jubba.

Si kastaba, halka uu qaraxani ka dhacay waa goobtii 2021 lagu qarxiyey Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Afrika, waxaana laga furay maqaayad cusub oo lagu magacaabo Top Coffee, taas oo xalay iyana la beegsaday.

WARARKA MAANTA 143ka Luulyo  2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta  Yaa diidi lara ,maanta in Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye’ uu khatar iyo fashil weyn ku sugan tahay #Dowladda #Damu-Jadiid? Yaa diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye’? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkamadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye’? Yaa burburiyey Ciidanka Xoogga dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye’? Yaa laamaha amniga u dhiibay rag la shaqaysta argagixisadda Al-Shabaab Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye’? Yaa xaasaskiisa iyo ilmihiisa u ogolaaday inay baad iyo magaca dowladda ku xoogaan ganacsadata iyo hay’addaha kale duwan Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye’? Yaa #Soomaaliya ka dhigay dalka ugu musuqmaasuqa badan Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye’? Yaa degmo kamid ah xoof ku qabsaday #Muqdisho Sanaay Cabdulle? 

 Ha Wiqleyso! 

Muqdisho 14ka Luulyo  2024 Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo ka hadlay weerarkii maanta ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Xamar ayaa sheegay in waxa dhacay aan la aqbali karin, isagoo dalbaday in Taliska Asluubta Soomaaliyeed uu jawaab deg deg ah ka bixiyo qaladkii dhacay.

Xeer Ilaaliye Suleymaan ayaa dalbaday i la sameeyo baaritaan deg deg oo la keeno warbixin dhameystiran, “waxaan aad uga xumahay wixii ka dhacay Xabsiga Dhexe, mana aheyn arrin la filayey,” ayuu yiri Dr. Suleymaan.

Xeer ilaaliyaha oo sii hadlayey ayaa yiri, “Madaxda xabsiga iyo taliyaha waxaan farayaa in si deg deg ah ay arrintaas warbixin uga keenaan, waxaan looma dul qaada karo, waana la xisaabtami doonaa cidii qaladkaasi ka dhacay.”

Sidoo kale Xeer ilaaliyaha ayaa carabka ku adkeeyey in qalalaase noocaas ah aan mar dambe loo dulqaada karin inuu ka dhaco xabsiga dhexe oo maxaabiis badan ay ku xiran yihiin, kuwaas oo xaq u leh in ammaankooda la sugo.

“Cidii masuulka ka aheyd goobta uu falkaasi ka dhacay waa la xisaabtami doonaa, hey’adaheenu waa inay ka baxaam jileeca, jileec dowladeed ayaa jira, laakiin waxaan oo kale lama aqbali karo, waana in jawaab cad laga bixiyaa,” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

5 maxbuus oo loo heystay Shabaabnimo, laguna xukumay dil toogasho ah ayaa geystay weerarkaas, kuwaas oo la toogtay daqiiqado badan kadib markii ay weerarka bilaabeen, sida uu sheegay Afhayeenka ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Cabdiqani Maxamed Qalaf.

Sidoo kale 3 askari ayaa ku dhimatay howlgalkii lagu soo afjaray kooxdaas, halka 3 kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay Afhayeen Cabdiqani.

Maxaabiistii kale ee xabsiga qeybihiisa kale ku jirtay ayuu sidoo kale khasaare gaaray, waxaana dhaawac soo gaaray 18 maxbuus oo dembiyo kalWaa markii labaad oo xabsiga dhexe ay maxaabiis ka dhex dagaalantay, 2020-kii ayuu dhacay fal noocaan oo kale ah, xiligaas waxaa baxsaday rag ka tirsanaa argagixsada Al-Shabaab, balse maanta waxaa la xaqiijiyey in wax maxaabiis ah aysan baxsan.a duwan u xiraa, sida lagu xaqiijiyey warbixinta afhayeenka.

Muqdisho 14ka Luulyo  2024 Taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir ayaa shaaciyey in caawa lasoo xiray Faadumo Qaasin Maxamed oo loo yaqaano (Faadumo Kaftan).

Qoraal kasoo baxay Taliska ayaa lagu sheegay in gabadhaan ay ku eedeysan tahay in ay ku kacday falal anshax-darro ah oo liddi ku ah diinteena suuban iyo dhaqanka wanaagsan ee umadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in isna la xiray Catoosh Yare oo caan ka ah baraha bulshada, inkastoo booliska Soomaaliya aysan shaacin xarigiisa.

Booliska Soomaaliya ayaa horay u xiray dhalinyaro badan oo ku eedeysan inay baraha bulshada ku soo gudbinayeen muuqaalo anshax darro ah, kuwaas oo maxkamadeyntoodu socoto.

Muqdisho waxay boolisku ku beegsanayaan dadka baraha bulshada ku faafiya anshax xumada, aflagaadada iyo kicinta colaadaha, waana tallaabo aad loo mahadiyey oo qeyb ka qaadaneysa xasiloonida bulshada iyo yareynta fasahaadka.

Hey’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka howlgala Muqdisho ayaa isku garab wada sugidda amniga iyo la dagaalanka anshax xumada, waxaana qofkii lagu arko loo taxaabayaa xabsiga.

Qiyaastii 40 dhalinyaro ah ayaa muddo ku dhow 3 bilood xabsiga ku jira, kuwaas oo toddobaadkii hore lasoo taagay maxkamadda gobolka Banaadir, dhamaatood dadkaasi waxay caan ka ahaayeen oo dembiyada loo heysto ay ku galeen aalada TikTok.

Markii laga reebo in lasoo xiray inta badan dadkii caanka ku ahaa faafinta anshax xumada, hadda waxaa joogsatay oo lagu guuleystay in meesha laga saaro dhaqankii dhalinyarada qaar oo soo bandhigi jiray muuqaalo anshax darro ah.

Maraykanka 14ka Luulyo  2024 \Madaxwaynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa Sabtidii dhaawac madaxa ah uu soo gaaray balse xaaladdiisa ay wanagsan tahay, sida uu sheegay ololihiisa doorashada kadib markii rasaas lagu furay isaga oo ka hadlay isu soo bax olole doorasho oo ka dhacay gobolka Pennsylvania.

War qoraal ah oo uu soo saaray ololaha Trump ayaa lagu sheegay in musharraxa madaxweyne ee Xisbiga Jamhuuriga lagu daweeyay xarun caafimaad oo maxalli ah. Waxa uu u tagay magaalada Butler ee gobolka muhiimka u ah doorashada si uu isu soo bax ugu qabto.

“Madaxweyne Trump wuxuu uga mahad celinayaa booliska iyo gurmadka deg degga ah ficilka deg degga ah ee ay qaadeen intii uu socday falkan foosha xun,” ayuu afhayeenka Trump Steven Cheung ku yiri bayaan uu soo saaray.

“Wuu fiican yahay, waxaana lagu baarayaa xarun caafimaad oo deegaanka ah. Faahfaahin dheeraad ah ayaan bixin doonnaa.”

Madaxweyne Joe Biden ayaa yiri “qof walba waa inuu cambaareeyaa” weerarka. “Rabshadaha noocan ah meelna kuma lahan Ameerika,” “Waa wax xun. “Waa wax xun.”

Madaxwaynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa sidoo kale qoraal uu soo saaray ku yiri “waxaa la igu toogtay xabad taasi oo jartay qaybta sare ee dhegteyda midig”.

Puntland 4ka Luulyo  2024 Ku simaha ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo shalay booqasho ku tegay magaalada Garoowe ayaa war culus kasoo saaray khilaafka siyaasadeed ee weli ka dhexeeya dowladda iyo Puntland.

Swan oo faah-faahiyay kulan uu la yeeshay madaxweyne Saciid Deni ayaa ugu baaqay labada dhinac inay si hoose uga wada-hadlaan khilaafka dhexdooda ah, ayna soo celiyaan wada shaqeyntoodii oo hadda meesha ka baxday.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay inay dib u bilaabaan wada-hadallo deg-deg ah, si xal loogu helo xiisadda taagan

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in heshiiskooda ay faa’iido u tahay shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay muhii tahay in lagu gudbo khilaafka haatan jira.

“Madaxweyne Deni iyo aniga waxaan ka wada hadalnay arrimo badan oo qaranka muhiim u ah oo ay ka mid yihiin ololaha ka dhanka ah Al-Shabaab, hannaanka dib u habeynta dastuurka, iyo marxaladda doorashada soo socota. Iyadoo Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar baaxad leh sannadihii u dambeeyay, waxaan dhammaanteen ognahay in caqabado badan oo qoto dheer ay weli jiraan,” ayuu yiri Danjire James Swan.

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay xaaladda Puntland, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka deegaanka ee looga diyaar garoobayo deegaanada Puntland, wuxuuna u rajeeyay guul.

“Waxaan rajaynaynaa in doorashooyinkan golayaasha deegaanka ay sii ambaqaadaan guulihii laga gaadhay doorashadii deegaanka ee qabsoontay May 2023, isla markaana ay sii xoojiyaan dimuqraadiyaynta iyo sidoo kale horumarka laga gaadhay ka qaybgalka haweenka iyo dhalinyarada,” ayuu yiri Swan.

Dhankiisa Saciid Deni ayaa la wadaagay James Swan aragtidiisa ku aadan xaaladaha ka taagan ee dalka, si looga gudbo caqabadaha waa wayn ee jira.

“Waxaan la wadaagnay dareenkeenna iyo aragtideenna ku aadan xaaladda dalka, waxaana rajeynayaa inay ka qayb qaadan doonto sidii uu xal ugu heli lahaa arrimaha murugsan ee Soomaaliya” ayuu isna yiri madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Maalmihii u dambeeyay James Swan oo mar kale loo soo magacaabay Soomaaliya ayaa waday kulamo wada tashi ah oo uu la qaadanay madaxda Soomaaliyeed, si hore loogu wada shaqeynta dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo Qaramada Midoobay.

Muqdisho 14ka Luulyo  2024 Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay hadal kasoo yeeray La-taliyihii hore ee amniga madaxweyne hore Farmaajo, kaasi oo soo jeediyay in xukunka dalka loo baneeyo Al-Shabaab haddii aan la iska dhicin karin damaca guracan ee ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo bartiisa X (ex-Twitter) ayaa ka jawaabay soo jeedinta Cabdisaciid Muuse Cali, isaggoo nasiib darro ku tilmaamay in hadal noocaan uu kasoo yeero masuul hore.

“Waxaan la socdaa hadal uu dhawaan wasiir hore Cabdisaciid ku sheegay waraysi uu siiyey BBC Somali,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi

Waxa uu intaas kusii daray “Anigoo ixtiraamaya xoriyatul qawlka, hadallada soo jeedinaya tanaasulka qaranimada Soomaaliya ama caadi ka dhigista fikradda ah in Al-Shabaab la aamini karo waa dhibaato qoto dheer oo aan la aqbali karin.”

Cabdisaciid oo sidoo kale soo noqday wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ayaa soo jeediyay haddii madaxweyne Xasan iyo dowladdiisa ay iska dhicin karin damaca guracan ee Abiy Axmed ay meesha u baneeyaan kooxda Al-Shabaab, si ay meel u saaran Itoobiyaanka, sida uu hadalka u dhigay.

“Abiy Axmed waa nin mayal adag oo xagjir ah, mana yaqaano xishood ee haddii aadan iska dhicin karin rag (Al-Shabaab) iska dhicin karaa jiree u banee,” ayuu yiri la-taliyihii hore amniga qaranka Cabdisaciid Muuse Cali.

La-taliyihii hore ee Farmaajo ayaa ku dooday in dowladnimada Soomaaliya uu gaaray dhaawac weyn, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumaddiisa uu ku dhaliilay inay si adag uga jawaabin hadallada kasoo yeeraya Abiy Axmed.

“Marwalba oo ra’iisul wasaaraha Itoobiya hadlo qof u jawaaba ma lahan, ama jawaabta haddii ay timaado jawaab daciif ah waaye,” ayuu markale Cabdisaciid ku yiri wareysi gaar ah uu siiyay BBC.

Sidoo kale wuxuu wareysiga ku yiri “Aniga marnaba ma dhiiro gelinaya Al-Shabaab ee waxaan dhiirro-gelinayaa in xukuumadda hadda joogta aysan iska celin karin mayal adagnimada ka socota Addis Ababa, nika hadda ra’iisul wasaaraha ka ah waxa uu ka tirsan yahay koox diineed oo xagjir ah marka waa xagjir.”

Al-Shabaab ayaa la sheegaa inay xiisadda ka dhalatay heshiiskii is-afgarad ee Itoobiya iyo Somaliland oo banaanka keentay damaca guracan ee Abiy ay ku heshay dagaal-yahaano cusub, ayada oo adeegsaneysa masrixiyadda “Itoobiyaan naceybka”, xilli uu sanadkii hore hoos u dhac ku yimid kooxda, oo dagaal adag kala kulantay ciidanka dowladda iyo shacabka hubeysan.

Muqdisho 14ka Luulyo  2024  Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo xalay ka dhacday gudaha degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, taas oo ka dhalatay dil wadareed loo gaystay gabar iyo hooyadeed.

Wararka ayaa sheegaya in dilkan uu gaystay askari ka tirsan ciidamada milatariga Soomaaliya oo weerar kusoo qaaday qoyskan oo degan xaafadda Faanoole ee degmada Kaaraan.

Ilo wareedyo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in askariga uu horay u qabi jiray gabadha, balse haatan ay guursatay nin kale, kadibna oo sidaas kusoo weeraray, kuna dilay.

Goobjoogayaal ayaa iyaguna u sheegay Caasimada Online in xilliga uu dhacayay falkan ay bannaanka gurigooda fadhiyeen gabadha iyo hooyadeed, uuna hal mar rasaas ooda kaga qaaday , waxayna ku geeriyoodeen isla goobta.

Nasteexo iyo hooyadeed Muslimo ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Nasteexo Nuur Dable iyo Muslimo Macallin Xasan, waxaana goobta ka baxsaday askariga dilka gaystay.

Falkan ayaa sidoo kale argagax ku reebay dadka deegaanka oo si wayn uga naxay dilka loo gaystay gabadha iyo hooyadeed oo ay muddo dheer ahaayeen dad daris ah.

Ma jiro illaa iyo ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada Kaaraan iyo laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi argagaxa leh.

Falalka noocaan oo kale ah ayaa maalmahan kusoo badanayay gudaha dalka, kuwaas oo salka ku haya khilaafaad dhanka qoysaska ah, kadibna sababa dil ama dhaawac, sida horay uga dhacday dhowr magaallo oo kala duwan.

WARARKA MAANTA 13\3ka Luulyo  2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta  Yaa #Soomaaliya xukumma Madaxweyneaha #Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geele “Baryo-Weyne” ama Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye’? Yaa ku dhex dagaalamaya xabsiga dhexe ee #Muqdisho? Yaa noqon doona Taliyaha Cusub ee Hay’adda Nabad-Sugida Iyo Sirdoonka Qaranka #NISA? Yaa noqon doona Taliyaha Booliska #Soomaaliya? Yaa laga dhigi rabaa Taliayaha Ciidanka Xoogga Dalka? Maxaa ay Dowladda Soomaaliya u rabtaa in la burburiyo Dowladda Gobaleedyada dalka ka dhex jira? Maxuuse Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” u sameyn waayey Maxkammadda Dastuuriga ah Iyo #Maqaamka #Muqdisho? Yaa runta qarin kara?  Ha Wiqleyso! 

Finland 13ka Luulyo  2024 Baarlamaanka Finland ayaa meel mariyay sharci siinaya ciidamada ilaalada xuduudaha inay xannibaan muhaajiriinta sharci darrada ah ee ka imaanaya Soomaaliya iyo Iran, kuwaas oo si wadar ah uga soo gudbaya xadka Ruushka sannadkii saddexaad oo xiriir ah. Xeerkan ayaa waxaa ogolaaday 167 mudane, waxaa diiday 31 mudane, halka mudane uu ka aamusay.

Sharcigan ayaa u baahday aqlabiyad saddex meelood labo meel oo kamid ah 200 oo kursi ee uu ka kooban yahay baarlamaanka dalkaas.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Petteri Orpo ayaa sheegtay in sharcigan uu muhiim u yahay joojinta qulqulka mustaqbalka muhaajiriinta sharci darrada ah ee ka imaanaya dalalka faqiirka ah iyagoo soo maraya Ruushka, inkastoo sharcigan uu ka hor imaanayo waajibaadka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ee Finland. “Tani waxay calaamad xooggan u tahay Ruushka, waxay calaamad xooggan u tahay xulafadayada in Finland ay danaynayso ammaankeeda, waxaan danaynaynaa ammaanka xuduudaha Midowga Yurub,” Orpo ayaa ku yiri shir jaraa’id oo uu qabtay codeynta ka dib.

Sharciga la ansixiyay waa ku meel gaar wuxuuna socon doonaa muddo sanad ah. Go’aan wada jir ah oo ay gaaraan xukuumadda iyo madaxweynaha ayaa looga baahan yahay in sharcigan lagu meel mariyo.

Sharciga ayaa u ogolaanaya ciidamada ilaalada xuduudaha ee Finland inay dib u celiyaan muhaajiriinta sharci darrada ku jooga xudduudaha.

Tan iyo bishii Maarso, ma jiraan soo galooti cusub oo sharci-darro ah oo dalka yimid – Finland waxay xirtay xudduudaha dhulka ee ay la leedahay Ruushka dhammaadkii sannadkii hore.

Finland ayaa sidoo kale ku eedeysay Ruushka in tahriibka uu ka dhigay hub isagoo ku dhiirigeliyay daraasiin muhaajiriin ah oo ka yimid dalal ay ka mid yihiin Suuriya, Iran iyo Soomaaliya inay ka gudbaan xadka.

Ruushka, dabcan, wuu diiday eedeymahaas, laakiin wuxuu sii wadaa inuu kumanaan muhaajiriin sharci darro ah ku geeyo xudduudaha uu la leeyahay Yurub, sida ay sheegtay Finland.

Muqdisho 13ka Luulyo  2024Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda federaalka ay markii ugu horreyso bilaabeyso qaadista canshuuraha iibka (Sales Tax), taas oo noqoneyso 5%, sida uu ku sheegay shirkiisa jaraa’id.

Biixi ayaa shaaca ka qaaday in arrintani ay qeyb ka tahay dadaalka dowladda ee sare loogu qaadayo dakhliga gudaha, si loo gaaro isku filnaan dhaqaale oo ay gaarto Soomaaliya.

Wasiirka ayaa xusay in qorshahan oo muddo dheer soo socday hadda la dhammeystiray, isaga oo la wadaagay shirkadaha isgaarsiinta iyo hay’adaha kale ee ka shaqeeya lacag dirista.

“Waxaan rabaa maanta dadka Soomaaliyeed iyo ganacsatadaba gaar ahaan shirkadaha bixiya adeegga is gaarsiinta iyo adeegyada lacag dirista intaba aan rabaa inaan la wadaago in uu dhaqangeli doono hannaan casri ah oo wasaaradda maaliyadda ay muddo ku howlanayd oo ay ka shaqeyneysay oo soo dhameystirmay” ayuu yiri wasii Biixi Iimaan Cige.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in system-kan cusub oo ay yeelatay dowladda uu suuragelin doono inay goosatai canshuuraha ka dhasha iibka ee sida Electronica ah.

“Hannaanka ayaa soo dhameystirmay wuxuuna wasaaradda u suuragelin in doonaa in canshuuraha ka dhasha iibka ee sida Electronica ah meel kasta oo dhaq-dhaqaaq iib ama gadasho ka dhaco oo hannaankaa ku dhaca inay dowladdu hadda yeelatay system iyo hannaan casri ah oo lagu daba galo lagu goosto canshuurta” ayuu sii raaciyay wasiirku.

Waxaa kale oo uu ka dalbaday shirkahada isgaarsiinta iyo bangiyada dalka inay arrintan kala shaqeeyaan wasaaradda maaliyadda, si ay waaxda dakhliga u gudato waajibkeeda

Waxaan rabaa inaan faro shirkadaha isgaarsiinta inay waaxda dakhliga iyo dadka farsamayaqaanada ee howlahaa ku howlan inay gacan buuxda ku siiyaan inay gutaan waajibaadkooda” ayuu mar kale yiri wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Sida xeerka ina farayo canshuurta iibka ee hadda sharciga ina farayo waa 5%, waana marka la babar dhigo dalalka gobolka aan ka tirsanahay”.

Arrintan ayaa durbo dhalisay walaac xoogan, waxaana si wayn looga hadal hayaa baraha bulshada, maadaama ay tallaabadan saameyneyso qof kasta oo wax ku iibsanayo habka Electroniga, gaar ahaan lacagaha taleefoonada EVC-ga-, eDahab-ka ama kuwa Walleta-ka.

Masar 13ka Luulyo  2024 Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka dalka Masar Badr Abdelatty ayaa maanta yimid Muqdisho, wuxuuna la socday diyaaradda Egypt Air oo Soomaaliya ka bilaabeysa duulimaad toos ah, waa duulimaadkii ugu horeeyey 30 sano oo Soomaaliya burbursadeen kadib.

Wasiirka ayaa khudbad ka jeediyey qeybta VIP-da ee garoonka Aadan Cadde, isagoo muujiyey in dowladda Masar ay taageero weyn u heyso Soomaaliya, isagoo ka hadlay kursiga aan joogtada aheyn ee Soomaaliya ay ka heshay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey.

“Waxaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, uga hambalyaynaya munaasabadda xuska maalinta xorriyadda, iyo sidoo kale doorashada Soomaaliya ee xubinnimada Golaha Ammaanka oo dhaqangaleysa bisha Janaayo ee socota,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Masar.

Wasiir Badr ayaa sheegay in Masar ay ka go’an tahay inay taageero u fidiso Soomaaliya, isagoo sheegay in Soomaaliya ay u rajaynayaan inay ku guuleysto xilka gudashada kursigaas, isla markaana ay noqoto Soomaaliya xubin adag oo ka tirsan golaha.

“Mudanayaasha sharafta leh, sida aad ogtahiin gobolka waxaa ka taagan caqabado horleh oo u baahan in aan dadaalkeenna isku geyno oo aan si dhow uga tashano, anagoo ka duulayna xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, iyo in la isku duwo wada-shaqeynta ku aadan arrimaha kala duwan sida Ixtiraamka mabaadi’da deris-wanaagga iyo in laga fogaado fargelinta arrimaha gudaha ee dalalka,” ayaa yiri.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa intaas ku sii daray “Waxaan sidoo kale jeclaan lahaa inaan caddeeyo sida buuxda ee Masar ay u taageersan tahay midnimada, wadajirka dhuleed iyo madax-bannaanida Soomaaliya, iyo diidmada qayaxan ee Masar ay ku diiddan tahay tallaabo kasta oo wax u dhimaysa madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.”

Muqdisho 13ka Luulyo  2024 Madaxeynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreeysay si cad u beeniyay inay jiraan degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada dalka oo dib u qabsatay Al-Shabaab.

Xasan ayaa meesha ka saaray inay jirto in kooxda dib ula wareegtay goobo markii hore laga saaray oo ciidamada ka baxeen, isaggoo amaanay ciidanka xoogga dalka iyo shacabka hubeysan oo si wada-jir ah ula dagaalamaya Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu qalad dhici karo, wuxuuna sheegay in hadii la arko qof wax ka qaldameen uu yahay qof wax qabtay, uuna ka wanaagsan yahay midka an wax qabanin, islamarkaana la taageero ciidamada xoogga dalka.

Hadalka madaxweyne Xasan ayaa imaanaya xilli xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ay sheegeen in deegaano iyo degmooyinkii ay ku baxeen saraakiil muhiim ah ay dib ula wareegtay kooxda, wuxuuna u muuqda hadalka madaxweynaha mid jawaab u ah xildhibaannada.

Dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah oo wejigiisa koowaad uu dardar horleh ku bilowday, islamarkaana kooxda looga xoreeyay degmooyin iyo deegaan muhiim ah oo sanado ka talinayeen, ayaa waxaa bilihii dambe ku yimid gaabis, kaasi oo loo tirinayo hoggaan xumo haysata ciidanka.

Jubbaland 3ka Luulyo  2024 – Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS, kuna sugan gobolka Gedo ayaa si toos ah u faro-geliyay dagaal beeleedka degmada Luuq, kadib markii ay dowlad goboleedka Jubbaland ku wareejisay amniga guud ee degmadaasi.

Ciidamada Itoobiya ayaa door way ka qaatay sugidda amniga intii uu socday dadaalka nabadeed ee uu halkaas ka waday madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaga oo la wareegay amniga hoolka la’isugu keenay beelaha.

Sidoo kale ciidamada Itoobiya ayaa haatan isku ballaariyay qaybo badan oo kamid ah degmada Luuq, si ay uga hortagaan dagaal mar kale ka dhaca gudaha degmadaasi.

Waxaa kale oo uu nasiib darro ku tilmaamay in Dagaal Beeleedka ka dhacay Degmada Luuq lagu gubo Suuqa Degmadaas oo muhiim u ah Bulshada halkaas ku sugan maadaama aanay ka maarmin badeecaha lagu iibiyo oo safar fog loo galo.

“Waxa aad uga xunnahay Dadka Soomaaliyeed ee Suuqaas ku hanti beelay, in ka badan 320 Ganacsi in lagu gubay, waan garab taaganahay, labadeenna heer Dowladeed waxa aan codsanaynaa in aan la cidleyn Dadkaas oo la gacansiiyo, Guddi Ayaan u xilsaaraynaa si dib noloshooda gacan looga siin lahaa” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.

Xaaladda degmada Luuq ayaa haatan ah mid deggan, kadib dagalalo culus oo halkaas ku dhex-maray laba beelood, kuwaas oo iska dilay dad badan, iskana gubay goobo ganacsi.

WARARKA MAANTA 12ka Luulyo  2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta  Yaa gabadhiisa gaal madoow qabaa? Maxuu Madaxweyneaha #Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geele “Baryo-Weyne” ugu amaray Agaasimha RTD inuu heshiis la saxiixdo Warbaahinta Dowladda ee uu maamulo Weriye Shabaab ahaan jiray Cabdiraxmaan AL-Cadaala oo hadda weli ah Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta #Soomaaliya? Ma ma qarin karaa fool-xummada iyo anshax xummada ay qoyska  Madaxweyneaha #Djibouti  Iyo Qoysaska Madaxweyne Mudane Xassan ay ku hayaan shacabka af-Soomaliga ku hadla? Maxayse tahay sababta hadda keentay in wadashaqayn warbaahineed dhex marto #Somalia Iyo #Djbouti?  Maxaa weli u xiran yahay Sareey Guuto Sheegoow oo raggii Shabaab ahna loogu sameeyey baasabooro dibolomaatik ah?  Ha Wiqleyso! 

Muqdisho 12ka Luulyo  2024   Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhowaaqay inay dambi tahay in qofka uu xiriir wicitaan ah la sameeyo qof ay ehel ama qaraabo yihiin oo ku jira kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay inay dambi tahay oo ciqaab adag lagu muteysan karo xitaa haddii uu qof qaraabada ah oo kooxda ku jira uu isaga kula soo sameeyo wicitaan.

“Kuma soo wici karo, mana wici kartid waa dambi ogow taas,“ ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo ku dhowaaqay in ciqaab adag lagu muteysan karo in xiriir lala sameeyo qof ku jira ama ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Waxa uu intaas kusii daray “Qofka haddii la ogaado inuu wacay qof (Al-Shabaab) ku jira ama isaga uu la soo sameeyay xiriirka maxkamad ayaa la horgeynayaa.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in arrintaan loo cuskanayo sharciga la-dagaalanka argagixisada, uuna qabanayo qofka xiriir la sameeya qof kooxda ku jira ama xitaa uu asagu soo waco.

Sidoo kale wuxuu carrabka ku adkeeyay in aan lala macaamili karin kooxda, maadama sida uu sidoo kale jiro xeer ku saabsan cunna-qabateynta xadidan oo saran ururada ka soo horjeeda dowladda, sida uu sheegay madaxweynaha.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey u mamnuucday in lala macaamilo kooxda Al-Shabaab, waxaana tallaabadan ay noqoneyso mid lagu sii xoojinayo amarka in aan wax macaamil ah lala sameyn karin kooxda ay dowladda dagaalka kula jirto.

Dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah oo wejigiisa koowaad uu dardar horleh ku bilowday, islamarkaana kooxda looga xoreeyay degmooyin iyo deegaan muhiim ah oo sanado ka talinayeen, ayaa waxaa bilihii dambe ku yimid gaabis, kaasi oo loo tirinayo hoggaan xumo haysata ciidanka.

Nairobi 12ka Luulyo  2024 Cabdisaciid Muuse Cali Lataliyahii hore ee dhanka amniga Qaranka madaxweynahii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si cajiib badan uga hadlay xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiskii Badda ay wadagaleen somaliland iyo Itoobiya.

Lataliyahii hore ee amniga madaxweyne Farmaajo Cabdisaciid Muuse Cali oo sidoo kale horay dowladii Farmaajo uga soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibbada ayaa soo jeediyay in dowladda Xasan Sheekh hadii aysan iska dhicin karin damaca guracan ee Abiy Axmed iney u baneyso Al-shabaab.

“Abiy Axmed waa nin mayal adag oo xagjir ah, mana yaqaano xishood ee haddii aadan iska dhicin karin rag iska dhicin karaa jiree u banee, damaca Abiy Axmed wuxuu kor u qaaday soo noolashaha Al-shabaab xag dhaqaale iyo ku biirista dad hor leh” ayuu yiri lataliyihii hore amniga qaranka Cabdisaciid Muuse Cali.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladnimada Soomaaliya ay soo gaartay dhaawac weyn oo la xariira hanaanka ay uga jawaab celiso hadalada mayalka adag ee kasoo yeera Raysal wasaaraha dalkaas Abiy Axmed.

“Marwalba uu Raysal wasaaraha Itoobiya hadlo qof u jawaaba ma lahan, ama jawaabta ka imata madaxda dowlada waa mid daciif ah oo aan u qalmin damaca guracan ee Abiy Axmed, saas oo ay tahay iyadoo xaaladaas jirto ayay dowlada Fedaraalka heshiis dhinaca difaaca ah Addis Ababa kula soo gashay Itoobiya, ma ahan nin kusoo haweystay inaad heshiis la gasho” ayuu yiri lataliyihii hore amniga qaranka Cabdisaciid Muuse Cali.

Lataliyahii amniga madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ka gaabsaday inuu si sax ah uga jawaabo in kooxda Al-shabaab uu u aqoonsan yahay Argagixiso iyo inkale.

“Wax macna ah masoo kordhineyso hadaan Argagixiso u aqoonsado iyo hadii kale, laakiin nimanka waa kuwa sheegta marwalba in dalkan la haysto oo dowladaha dariska iyo Calooshood u shaqeystayaal haytaan, hadana wayba soo dhamaatay mashruucii la oran jiray Argagixiso” ayuu yiri lataliyihii hore amniga qaranka Cabdisaciid Muuse Cali.

Hadalkaan kasoo yeeray Cabdisaciid Muuse ayaa si weyn falcelin uga dhex dhaliyay baraha bulshada, waxaana xusid mudan in mudo xileedkii Farmaajo dowladiisa lagu eedeeyo ineysan dagaalo la taaban karo la gelin Al-shabaab.

Jubbaland 12ka Luulyo  2024   Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad-goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo degmada Luuq ee gobolka Gedo oo u joogay xalinta shaqaaqooyinkii maalmahan ka jiray halkaas, ayaa waxaa laga soo saaray shan qodob, si dhinacyadu u gaaraan heshiis nabadeed rasmi ah.

Qodobadan oo uu soo saaray guddiga loo igmaday xal ka gaarista colaaddii dhacday ayaa ugu horeyn waxay dhinacyada fareen inay qaataan xabad-joojin bilaa shuruud.

Hoos ka aqriso qodobada kasoo baxay guddiga:

1. Xabad-joojin aan wax shuruud ah ku xirneyn oo labada dhinac ay dhaqan geliyaan.

2. In nabadda guud ee degaanka la qaato qofkii wax geystana ay isaga u gaar tahay tallaabo wada-jir ahna laga qaado.

3. In dhinacyada dirirtu dhex-martay ay u diyaar garoobaan wada-xaajood lagu xalinayo mushkiladii dhacday.

4. In laga fogaado wax kasta oo carqaladeynaya nabadda degaanka, sida wada-hadallada socda sida kicinta Bulshada.

5. In dhinacyada ku sugan Magaalada ay badbaadiyaan Hantida Dadka barakacay, iyada oo qofna aan dhib loogu geysan Karin heybtiisa.

Guddiga ayaa ugu dambeyntiina ku baaqay in guud ahaan shacabka degmada Luuq ay ka wada qeyb qaataan nabadda, islamarkaana dadkii barakacay ay dib ugu soo laabtaan guryahooda.

Dhinaca kale, Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland aoo kulamo kala duwan oo xal lagaga gaarayo wixii dhacay la yeeshay maamulka degmada, hay’adaha amniga iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmada ayaa baaq soo saaray.

Sayid ayaa dhinacyadii ku dagaalamay degmada Luuq ugu baaqay in la badbaadiyo hantida shacabkii barakacay iyo weliba inay qaataan xabad-joojin shuruud la’aan ah, si heshiis nabadeed rasmi ah loo gaaro.

Muqdisho 12ka Luulyo  2024   Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan.

Kulankan oo Swan uu ku wehlinayay ku-xigeenkiisa ayaa waxaa looga hadlay shaqooyinka Golaha Shacabka gaar ahaan shuruucda horu-tabinta leh iyo arrimaha doorashooyinka.

Ergeyga ayaa dhankiisa guddoomiyaha uga warbixiyay shaqooyinka xafiiska QM ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in ay diyaar u yihiin xoojinta iyo dardar-gelinta wada shaqeynta xafiiska Qaramada Midoobay iyo Golaha Shacabka ee baarlamaanka dalka.

Ugu dambeyntiina guddoomiye Aadan Madoobe ayaa uga mahad-celiyay ergayga iyo xafiiska Qaramada Midoobay taageeradooda Soomaaliya joogtada ah.

Waxaa uuna tilmaamay guddoomiyaha in Golaha Shacabka kalfadhiga shanaad ee dhowaan furmayal ay horyaalaan shuruuc muhiim u ah dowladnimada Soomaaliya.

Kulanka Swan iyo Aadan Madoobe ayaa kusoo aadaya xilli buuq badan ka taagan yahay baarlamaanka, ayada oo xildhibaannada qaar ay ka horyimaadeen qorshe ay Villa Somalia usoo dhiibtay guddoonka, kaasi oo la rabo in lagu meel-mariyo sharciyo ay qeyb ka yihiin kan doorashooyinka, guddiga doorashooyinka iyo xeerka lagu dhisayo iyo weliba sharciga axsaabta.

Madaxtooyadda oo gacan ka helaysa guddoonka baarlamaanka ayaa qorsheynaysa in sharciyadan ay marsato baarlamaanka inta lagu guda jiro kal-fadhiga 5-aad, kadib markii horey u marsatay baarlamaanka afartii cutub ee dastuurka ee mucaaradka ka qeyliyay.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayey xildhibaannada mucaaradka ugu baaqeen inuu kasoo baxo jeebka Villada, oo ay ku eedeeyeen inuu ku jiro, iyagoo uga digay inuu golaha usoo waarido qorshaha uu muranka badan ka taagan yahay.

Djibouti 12ka Luulyo  2024   Xiisadda u dhaxeysa dowladda Jabuuti iyo maamulka Somaliland ayaa mareysa meel xasaasi ah.

Labada dhinac ayaa isla socon tan iyo markii ay Somaliland aqbashay qorshe ay isla wadeen Imaaraadka iyo Itoobiya oo ka dhan ahaa Jabuuti, kaasi oo la rabo in lagu curyaamiyo dekeddaha waddanka Jabuuti.

Wixii ka dambeeyay 1-dii Janaayo ee sanadkaan markii Muuse Biixi magaalada Addis Ababa ku saxiixay heshiiska badda oo aragtidiisa la sheego inay Imaaraadka leeyihiin, balse nacfigiisa ay waddaagayaan Itoobiya iyo Imaaraadka, laguna jabinayo Jabuuti, xiriirka u dhaxeeya Muuse Biixi iyo Ismaaciil Cumar Geelle ma fiicneyn.

Dhawaan waxaa waddanka Jabuuti tegay xubno sheegta ama u ololeeya in gobolka Awdal uu ka go’o Somaliland. Dadka gobolkaasi dega qeyb kamid ah ayaa reer ahaan kasoo jeeda waddanka Jabuuti.

Maamulka Somaliland ayaa si weyn uga carooday tallaabada ay xubnaha mucaaradka ah ee Somaliland ku tageen waddanka Jabuuti, kuna heleen soo dhaweyn.

Hoggaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xilligaasi farriin hanjabaad ah u diray dowladda Jabuuti, halka ay Jabuuti beenisay inay marti-gelisay xubno mucaarad ku ah Somaliland.

Wax walba ayaase hadda faraha ka baxay. Jabuuti oo malaha ka jawaabeysa hanjabaaddii Muuse Biixi ayaa casuumad u dirtay hoggaamiyaha maamulka Khaatumo Cabdulqaadir Firdhiye, kaas oo siyaasad ahaan ku dhashay dagaalkii Somaliland looga saaray magaalada Laascaanood.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qaabilay Firdhiye, waana farriin culus oo loo diray Somaliland. Hadda Muuse Biixi oo siyaasad ahaan kal hore gacmaha u dhiibtay dowladda Itoobiya ayaa xaalka ku adag yahay.

Waxaa la eegayaa waxa ay noqoto fal-celintiisu. Jabuuti waxaa haysta oo ka taliya Ismaaciil Cumar Geelle, kaas oo xukunka ku fadhiya tan iyo 1999-kii, wuxuu dalka ka suuliyay mucaaradkii, waxaana lagu eedeeya Geelle inuu dowladnimaddii Jabuuti u beddelay mid qoys.

Dadka diidan xukunkiisa 25 sano jirka ah waxay sheegayaan inuu mucaaradka Jabuuti wax goyn lahaa haddii ay heli lahaayeen meel kale oo saldhig ka dhigtaan.

Dadka siyaasadda ka faallooda ayaa hadda isweydiinaya Muuse Biixi fursad iyo saldhig ma siin doona mucaaradka dibad-wareega ah ee Jabuuti oo ma ka jawaabi doona gogosha loo fidiyay Firdhiye iyo mucaaradka kasoo jeeda Awdal.

Marka la isbar-bar dhigo xagga faa’iidada, Somaliland ayaa hadda faa’iido badan ku qabta Jabuuti haddii ay tahay marin, baasabooro iyo maqaamka cilaaqaadka.

Laakiin marka laga hadlo qof walba iyo waxa laga haleyn karo, waxaa la aaminsan yahay in Somaliland laftigeedu ay Ismaaciil Cumar Geelle wax badan ka haleyn karto, maadaama Somaliland ay xad la leedahay Jabuuti.

Waxay u muuqata in xaalad cusub la galay. Itoobiya arrintaan waa ugu badisaa, waxayna heli doontaa in Somaliland ay 100% siyaasad ahaan iyo ganacsi ahaanba usoo dhacdo dhinacooda.

WARARKA MAANTA 11ka Luulyo  2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta  Maxuu ku fashilmay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Maxuu Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta AL-Cadaala ugu amray warbaahinta uu xooga ku haysto inay kashifaan fashilka Dowladda  Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa xukumma #Soomaaliya maalmahan ma Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” mise Madaxweynaha #Djibouti  Ismaaciil Cumar “Baryo-Waaweyne? Yaa amray in shabaab la la heshiiyo Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” mise Madaxweynaha #Djibouti  Ismaaciil Cumar “Baryo-Waaweyne? Yaa diiday in la dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” mise Madaxweynaha #Djibouti  Ismaaciil Cumar “Baryo-Waaweyne? Yaa diiday in la sameeyo Maxkammadda Dastuuriaga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” mise Madaxweynaha #Djibouti  Ismaaciil Cumar “Baryo-Waaweyne?  Ha Wiqleyso! 

Muqdisho 11ka Luulyo  2024  Hanti dhowrka guud ee Puntland ayaa ku amray shakhsiyaadka gacanta ku haya gaadiidka dowladda inay soo wareejiyan, ka hor inta aan tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadin. Hadalkan ayaa wuxuu daba socdaa baaritaan lagu sameeyay gaadiid badan oo maamulku leeyahay oo la la’yahay. Bishii hore, baabuur uu maamulku leedahay ayaa la ogaaday in lagu kala iibsaday suuqyada. Qaar ayaa lala baxsaday oo laga iibsaday degaanada ka baxsan Puntland. Arrimahan ayaa intooda badan dhacay intii lagu guda jiray doorashooyinka Puntland.

Hanti-dhowraha Guud ee Puntland Cismaan Maxamed Cali Gaas, ayaa ku amray cid kasta oo aan xil dowladdeed haynin oo haysata gaadiid dowladeed , in ay dib ugu soo celiyaan Xafiiska Hanti-dhowrka marka la gaaro 16-ka July 2024-ka.

Wuxuu sheegay hantidhowrku in loo baahan yahay in loo hoggaansamo awaamiirta dowladda. Wuxuu sheegay ciddii ka dhego adaygta in magacyadooda loo gudbindoono  hay’adaha fulinta sharciga.

Hadalka hantidhowraha Puntland ayaa kusoo aadaya, xilli siyaasiyiin horey xilal ugasoo qabtay Puntland iyo saraakiil ciidan ay weli gacanta ku hayaan gaadiid maamulku leeyahay.

Muqdisho 11ka Luulyo  2024  Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta wasaaradda gaashaandhigga iyo taliska ciidanka xoogga dalka kulammo kula qaatay hoggaanka wasaaradda iyo viidanka xoogga.

Saraakiisha ayaa la wadaagay madaxweynaha warbixinihii ugu danbeeyey ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan xoreynta deegaanno ka tirsan Jubbaland oo lagu guuleystay.

Sidoo kale waxay soo bandhigeen sida ay uga go’an tahay ciidamada qalabka sida inay sii wadaan halganka dalka lagaga xoreyanyo kooxda Al-Shabaab, kaasi oo dhawaan geli doona wejigiisa labaad.

Madaxweyne Xasan oo horraantii bishaan tegay furimaha hore ee dagaalka ayaa dib u bilaabay dhaq-dhaqaaqyo xooggan oo lagu dar-dargelinayo dagaalka, isaga oo xaqiijiyay sida dowladda ay u diyaarisay qalabka, gaadiidka, xarummaha ciidan iyo hubkii lagu dhammeystiri lahaa xoreynta dalka.

Dhawaan ayaa filayaa inuu si rasmi ah u bilowdo wejiga labaad ee dagaalka oo dhowr jeer uu dib u dhac ku yimid, kaasi oo kooxda siisay nafis ay dib isugu soo abaabuli karaan, ayaga oo weeraro rogaal celin ku qaaday deegaano horey looga qabsaday.

Wejiga koowaad ee dagaalka ayaa markii uu bilowday laga gaaray guullo wax ku ool ah, ayada oo ciidanka dowladda iyo shacabka hubeysan ay dagaal adag la galeen kooxda, iyaga oo ka xoreeyay deegaan iyo degmooyin muhiim ah.

Wejiga xiga ee dagaalka ayaa la filayaa in kooxda looga sifeeyo deegaanada ay weli kooxda kaga harsan tahay maamulka HirShabelle iyo Galmudug, ayada oo loo gudbi doono maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo kooxda weli ku xoogan tahay

Muqdisho 11ka Luulyo  2024 Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo dhowr sano ka hor u muuqday xidigga Geeska Afrika, ayaa wajahaya cidlo iyo kallinmo siyaasadeed, kadib is-afgaradkii muranka dhaliyay ee 1-dii Janaayo 2024 uu la galay Maamulka Somaliland.

Billowgii xukunka Abiy Axmed ee 2018 wuxuu u muuqday nin furfuraya nidaamka siyaasadeed ee Itoobiya, u janjeera dhanka Dimoqraadiyadda , xuquuqda aadanaha iyo xoriyadda hadalka. Nin u heellan xoojinta iskaashiga Geeska Afrika, xallinaya khilaafaadkii kala dhexeeyay Eritria, Sudan iyo Masar. Waxaa la siiyay billadda nabadda Nobel Peace Prize.

Shan sano kadib, Itoobiya waxay gashay xaalad mugdi ah.

1- Dhanka xorriyadda iyo dimoqraadiyadda, wuxuu xabsiga dhigay hoggaamiyaashii qowmiyadaha kala duwan, gaar ahaan kuwii Oromada sida Jawar Mohamed iyo Lemma Megressa, oo mar danbe la soo daayay.

2- Dagaalkii ugu weynaa ee ka dhaxca geeska Afrika ayuu la galay qowmiyadda Tigreega (800kun ayaa lagu qiyaasaa dadka ku dhintay), waxaana dagaallo adag ay ka socdaan dhulalaka qowmiyadaha Amxaarda, Cafarta, Oromada iyo Soomaalida. Itoobiya waa dalka ay wali ka socdaan dagaallada ugu dhimashada badan Geeska Afrika. Todobaadkii hore boqolaal arday ah oo Qowmiyadda Amxaaraa u dhashay ayaa la afduubay.

3- Xiriirka Abiy uu la leeyahay Eretria ayaa meeshii ugu hooseeysay maraya.  Dhanka kale Abiy ayaa la jirsaday fallaagada Suudaan ee Maleeshiyaadka Xammidati, iskuna dayay inuu maja-xaabiyo dowladda uu hoggaamiyo General Burhan ee caalamku aqoonsan yahay. Xiriirka Masar ayaa isagana meeshi ugu hooseysay maraya, iyadoo colaadda labada dal ay waligeed ahayd mid ku dhisan istiraatiyadda biyaha iyo saamaynta labada dal ay ku leeyihiin Geeska Afrika.

4- Soomaaliya oo muddo dheer u muuqatay dowlad burburtay, iskana ilaalin jirtay ku milanka siyaasada gobolka, ayaa si xoog leh u gashay loollan, kadib markii uu Abiy ku dhiiraday damaca uu ku doonayo inuu ku helo Bad iyo bariba.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si aan gabbasho lahayn u muujiyay mowqifka dowladdiisa, Itoobiyana ku tilmaamay cadowga Soomaaliya.

Maraykanka 11ka Luulyo  2024 Maalmihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada ee Soomaalida iyo Itoobiyaanka aad loogu faaqiday sawir laga qaaday qoraal uu qoray wargayska African Heral oo ka mid ah warbaahinta ka howlgasha gudaha dalka Itoobiya.

Xogta uu baahiyay wargeyskaas oo ay iska fogeysay dawladda Maraykanka ayaa dhigeysay wax ay ku sheegeen nuxurka wadahadalka dhexmray ergayga Maraykanka u qaabilsan Afrika oo tagay Muqdisho iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wargeyskan ayaa maqaalka uu daabcay waxaa uu ku sheegay xog ay iska fogaysay dowladda Maraykanka oo ku saabsanayd in ergayga Maraykanka ee Afrika Mike Hammer uu kala hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh xiisadda kala dhaxeysa Itoobiya, taas oo ka dhalatay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee bilowgii sanadkan ay kala saxiixdeen Abiy Axmed iyo Muuse Biixi.

Wargayska ayaa qoraalkiisa ku xusay in Ergeyga Mareykanka ee Afrika uu soo hadal qaaday in la ixtiraamo xiriirka diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee sii kordhaya ee u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland, iyadoo la muujinayo faa’iidooyinka ka dhalan kara xiriirkaas uu u leeyahay nabadda iyo horumarka gobolka.

Sidoo kale siyaasiyiin kala duwan ayaa barahooda internerka soo dhigay sawirka laga qaaday maqaalka Wargeyska, kaas oo ay siyaabo kala duwan looga falceliyey.

Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya ayaa barteeda twitter-ka (X) waxay ku beenisay xogta ku qoran magaalka Wargeyska Afrikan Herolad oo ay ku sheegeen mid been abuur ah.

Wargayska ayaa qoraalkiisa ku xusay in Ergeyga Mareykanka ee Afrika uu soo hadal qaaday in la ixtiraamo xiriirka diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee sii kordhaya ee u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland, iyadoo la muujinayo faa’iidooyinka ka dhalan kara xiriirkaas uu u leeyahay nabadda iyo horumarka gobolka.

Sidoo kale siyaasiyiin kala duwan ayaa barahooda internerka soo dhigay sawirka laga qaaday maqaalka Wargeyska, kaas oo ay siyaabo kala duwan looga falceliyey.

Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya ayaa barteeda twitter-ka (X) waxay ku beenisay xogta ku qoran magaalka Wargeyska Afrikan Herolad oo ay ku sheegeen mid been abuur ah.

Israa’iil 11ka Luulyo  2024 Millatariga Israa’iil ayaa ku amray Falastiiniyiinta ku nool magaalada Gaza in ay isaga baxaan.

Waxay fareen inay u barakacaan dhinaca waqooyi, xilli ay guluf xoog leh ka wadaan guud ahaan waqooyiga, koofurta iyo bartamaha Marinka Gaza.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in warqado ay hawada kasoo daadiyeen, ay Israa’iil ugu sheegtay dadka ku nool magaalada Gaza in ay ka baxaan oo ay maraan laba dariiq oo ay ku sheegeen in ay nabad yihiin, kuwaas oo aadaya dhanka koofurta, gaar ahaan degmada Deyr Al-balax.

Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa amarka daad-gureynta Israa’iil ee guud ahaan magaalada Gaza ku tilmaamay mid keenaya “dhibaato ballaaran”.

Duqeymo aanan kala go laheyn oo ay ciidamada Israa’iil saddexdii maalin ee lasoo dhaafay ku garaacayeen xaafado ka mid ah waqooyiga iyo koofurta Gaza ayay saraakiisha caafimaadka sheegeen in tobnaan qof oo u badan dumar iyo carruur lagu dilay.

Xoojinta dagaalka iyo duqeymaha ay ciidamada Israa’iil ka wadaan Marinka Gaza ayaa imaanaya, xilli dhex-dhexaadiyaasha ka socda Mareykanka, Masar iyo Qatar ay magaalada Dooxa kula kulmeen saraakiil ka tirsan Israa’iil, oo ay kala hadleen suura-gelinta heshiis xabbad-joojin oo ka dhaqan-gala Gaza.

Tan iyo bishii October, saraakiisha Falastiniyiinta ayaa sheegay in Israa’iil ay Gaza ku dishay in ka badan 38,000 oo Falastiinyiiin ah oo u badan dumar iyo carruur

Muqdisho 11ka Luulyo  2024  Dowladaha Mareykanka iyo Jarmalka ayaa si wada jir ah ugu dhawaaqay in Mareykanka uu sannadka 2026-ka billaabayo inuu Jarmalka geeyo gantaallada riddada dheer.

Warkaan ayay labada dal uga dhawaaqeen shirweynaha isbaheysiga NATO ee ka socda magaaladan Washington.

Tan ayaa waxaa loo arka tallabo weyn oo looga gol leeyahay in lagaga hortago waxa ay xulafadu ku sheegeen khatarta sii kordhaysa ee Ruushku ku hayo Yurub.

Go’aankan ayaa u diri doona Jarmalka hubka ugu awooda badan ee Maraykanka heysto, waxana ay noqon doontaa markii ugu horreysay oo uu Mareykanka hub aad u culus ku rakibto Yurub tan iyo dagaalkii qaboobaa.

Khubarrada ayaa ku sheegay tallaaban, digniin cad oo ku wajahan madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Hogaamiyaasha NATO ee ku shiraya caasimadda Mareykanka ayaa dhanka kale ballan-qaaday gargaar lacago dheeraad ah oo ay ugu deeqayaan dalka Ukraine, si ay isaga difaacaan duullaanka Ruushka.

War murtiyeed ay Arbacadi soo saareen, ayay madaxda NATO ku sheegeen in ugu yaraan 40 bilyan oo yuro oo u dhiganta ($43.28 bilyan) Ukraine loogu gado agab millatari la gaarsiin doono sannadka dambe.

WARARKA MAANTA 10ka Luulyo  2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta  Maxuu Madaxweynaha #Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geele ka dhex wadaa siyaasadda Soomaaliya? Xagge/halkee ayuu ku xiran yahay wiilkii uu xoogga uga furay gabadhiisa? Ma waxuu u maleynayaa inuu dilaa dembiil lagu daray gabar nin kale qabo inuu Madaxweyne u soo sharaxo #Soomaaliya? Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” u barakiciyey shacabka deggan Xarunta Dabdamiska? Maxuuse Xarunta Marinaayo ee Ciidanka badda uga qaadi waayey ina-adeerkiis Senator Haji Muuse Suudi Yalaxoow? Maxuuse xarumaha kale ee dowliga ah sida Rugta Saraakiisha “Shiirkole Ofishaale” Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diidi kara inay siyaasadda Soomaaliya ka sii xummaanayso sidii hore?  Ha Wiqleyso! 

Muqdisho 10ka Luulyo  2024  Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa shaaciyay in kalfdhiyada soo socda ee baarlamaanka lagu dhameystiri doono arrimaha dastuurka, xilli ay xiisad xooggan ka dhalatey qodobaddii uu horey u meel-mariyay baarlamaanka.

Aadan Madoobe oo ka gaabsaday inuu shaaciyay qodobadda sida gaarka ah loo horgeynayo baarlamaanka ayaa waxa uu sheegay inay yihiin kuwa muhiim ah oo qeyb ka ah dhameystirka dastuurka.

“Mudaneyaasha waxay xilliyada soo socda ka doodi doonaan hindise sharciyeedyo wax ku ool ah oo gaaraya illaa 14,” ayuu yiri Guddoomiye Aadan Madoobe oo ka qeyb-galay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kal-fadhiyadii hore lagu ansixiyay shuruuc badan oo ay kamid ahaayeen la-dagaalanka argagixisada, kuwo khuseeyay arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo kuwo kale.

Guddoomiyaha ayaa uu ugu dambeyntiina wuxuu faray shacabka Soomaaliyeed inay u midoobaan cadowgooda, islamarkaana ay gacan wax ku ool ah ka geystaan horumarka dalka.

Sida ay horey u baahisay Caasimada Online, furitaanka kal-fadhiga 5-aad ee baarlamaanka ayaa waxa qorshuhu yahay inuu meel-mariyo sharciyo dhowr ah oo kamid yahay kan doorashooyinka, guddiga doorashooyinka iyo xeerka lagu dhisayo iyo weliba sharciga axsaabta.

Si kastaba, arrimahan ayaa uga sii dari doona xiisadda dastuurka ee u dhaxeysa madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubnaha mucaaradka oo qeyb ka yihiin madaxweynayaashii hore ee dalka, kuwaasi oo meel adag qorshaha wax ka beddelka dastuurka ee gadaal ka riixeyso Villada.

Muqdisho 10ka Luulyo  2024  Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa gelinkii dambe ee shalay fashiliyay qarax miino oo ay Al-Shabaab doonayeen inay ku khaarijiyaan taliyaha ururka 9-aad ee ciidanka Daraawiishta Jubbaland Gaashaanle Dhexe Mahad Maxamed Islaam ee ku sugan degmada Afmadow ee gobolka Jubbalamd.

Al-Shabaab ayaa qaraxa usoo dhiibay wiil dhalinyaro ah oo ka tirsan isla ciidamada Jubbaland, kaas oo ay ka dalbadeen inuu qaraxaas gaariga ugu xiro taliyaha degmada Afmadow, balse uu xogta uu la wadaagay taliyihiisa oo ay rabeen inay dilaan Al-Shabaab, kadibna sidaas lagu fashliyay.

“Aniga oo Axmed Cabdi Digaale (Axmed Katiitow) waxaa ila soo xariirtay qoladii Khawaarijta ee Al-Shabaab, xiriirkeena wuxuu bilowday bishii 5-aad waxay igu dheheen waxaan rabnaa inaad nagala shaqeyso sidii aan ku dili lahayn ninka Daraawiishta Afmadow haysto Mahad Maxamed Islaam, miino ayaan kusoo dhiibeynaa ee gaarigiisa inaad noogu dhajiso aan rabnaa” ayuu yiri Axmed Cabdi Digaale.

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Billow illaa dhammaan saraakiisheyda iyo madaxdeyda waan la socod siinaayay waxay socotaba filimka aan jilno ugu dambeyn Alxamdulilah maanta ayaan ku guuleysanay dowladdeydana waa mahadsan tahay abaal-marinta waan ka guddoomay”.

Dhankiisa taliyaha degmada Afmadow Gaashaanle Dhexe Mahad Maxamed Islaam oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in xogta miinadan ay la socdeen bilowgeeda illaa dhammaadkeeda kadibna markii ay soo gashay gacantooda ay qarxiyeen, isaga oo sheegay in ujeedka uu ahaa in isaga lagu dilo.

“Waxaanu fashilinay maanta ay qolada dhagar qabayaasha ah doonayeen inay ku gaystaan dhibaayo ayaanu fashilinay xogteedana billow illaa iyo dhammaad aanu la soconay oo nimankaasi ay isticmaalayeen ay usoo dhiibeen ninka la yiraahdo ee garabkeyga taagan Axmed Cabdi Digaale (Axmed Katiitow), miinadaas oo ay ugu talo galeen oo ay dhaheen miinadaas mahad gaariga ugu xir” ayuu yiri taliye Mahad Maxamed Islaam.

Taliyaha ayaa u mahadceliyay wiilka dhalinyarada ah ee soo gudbiyay xogta, wuxuuna guddoonsiiyay abaa marin lacageed, isaga oo sheegay in cid kasta oo soo gudbisa xog noocaan oo kale ay abaal marin doonto dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Nasiib wanaan miinadii haddaa wiilka innoo keenay waana qarxinay intaas kadib waxaanu abaal marin lacageed oo dhan 3,000 oo dollar guddoonsiineynaa Axmed Cabdi Digaale abaal marintaasi oo ay ugu talagashay dowladda Jubbaland” ayuu mar kale yiri taliyuhu.

Maraykanka 10ka Luulyo  2024 Adaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho oo haatan ay gacanta ku hayaan ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo kuwa howlgalka ATMIS ee Midowga Afrika.

Mareykanka ayaa wafdi culus oo qaabilsan amniga garoomada usoo diray Muqdisho, kaas oo maanta la kulmay mas’uuliyiinta maamulka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Wafdiga oo ka tirsan hay’adda TSA ayaa si gaar ah ula shiray saraakiisha amniga garoonka iyo hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, waxayna ka wada-hadleen amniga guud ee garoonka Aadan Cadde.

Si kastaba kulanka mas’uuliyiinta maamulka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, hay’adaha amniga garoonka iyo hay’adda duulista rayidka oo dhinac ah iyo hay’adda TSA ay ku yeesheen xafiiska maamulka garoonka ayaa gogol xaar u noqon doona sidii lagu gaari lahaa in diyaaradaha ka duula garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho ay si toos ah uga degaan garoomada diyaaradaha dalka Mareykanka.

Garoonka magaalada Muqdisho ayaa u shaqeeyo si maalinle ah, waxaana kusoo xirmay duulimaadyo caalami ah, taas oo sare u qaaday heerka shaqo ee garoonkan oo marin muhiim u ah dadka ka dhoofaya iyo kuwa kasoo dagaya gudaha magaalada Muqdisho.

Eritrea 10ka Luulyo  2024 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kusoo laabtay magaalada Muqdisho kadib booqasho laba maalmood ah oo uu ku tagay Eritrea.

Madaxweyne Xasan ayaa intii uu joogay Eritrea waxa uu la kulmay qaar kamid ah askarta Soomaaliya ee dalkaasi Eritrea ku qaadanaya tababarka dhinaca ciidanka cirka.

Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea Yemani Meskel ayaa ku sheegay bartiisa X (ex-Twitter)  in madaxweynaha Soomaaliya uu ammaanay kaalinta ay Eritrea ka qaadanayso dib u dhiska ciidanka Soomaaliya, iyo wadajirka ay u muujisay qaranka iyo dadka Soomaaliya, sida uu ku sheegay qoraalka.

Madaxweynaha Soomaaliya oo dalkaasi tagay shalay ayaa dhinaca kale madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ay ka wada-hadleen xiriirka labada waddan.

Madaxweynaha Eritrea ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda xoojinta xiriirka labada waddan iyo sikaashiga labada dhinac ee siyaasadda, amniga, militariga, dhaqaalaha, dhaqanka iyo arrimaha bulshada, sida uu sheegay Meskel.

Horraantii sanadkan unbey aheyd markii madaxweynaha uu safar ku tegay Asmara, maalmo un kadib markii Itoobiya iyo Somaliland ay heshiis is-afgarad ku gaareen Addis Ababa, kaasi oo madaxweyne Muuse Biixi uu Itoobiyaanka ugu saxiixay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Si kastaba, Eritrea ayaa sannadihii u dambeeyey lagu tababarayey ciidamo kumannaan ah oo Soomaali ah kuwaasi oo qaarkood soo laabteen, haatanna ay qayb ka yihiin dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Irak 10ka Luulyo  2024 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqday Masaajidka taariikhiga ah ee Shiikh Cabdulqaadir Jeylaani ku yaalla caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdaad.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmay maamulka iyo culimada masaajidka gacanta ku haysa, wuxuuna uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee isaga iyo wafdigiisa loogu sameeyay Masjidka iyo guud ahaan dalka Ciraaq.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa lagu soo wareejiyay afarta qaybood ee masaajidku ka kooban yahay oo lagu baran jiray afarta madhab ee Xanafiya, Shaaficiya, Maalikiya iyo Xambaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa dul istaagay taariikhda iyo muhiimadda Masaajidka Shiikh Cabdulqaadir Jeylaani, oo sanad walba Muslimiin badan oo caalamka Islaamka ka socda ay soo booqdaan.

Xamsa Barre ayaa sheegay in Shiikhu ahaa caalim Sunni ah oo diinta Islaamka faafiyay, una horseeday dad badan inay raacaan jidka xaqa ah.

Culimmada Masaajidka Shiikh Jeylaani ee magaalada Baqdaad ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha Booqashadiisa, waxayna ugu duceeyeen shacabka Soomaaliyeed nabad iyo horumar.

Weli wafdiga xukuumadda Soomaaliya ayaa ku sugan dalka Ciraaq oo casuumaad ay ku tageen, ra’iisul wasaaraha waxaa safarkaas ku wehliya wasiirada arimaha dibadda, maaliyadda, deegaanka, taliyaha NISA, iyo xubno kale oo ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Bariire \10ka Luulyo  2024  Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa ka warbixiyey dagaal maanta ka dhacay duleedka deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo lagu dilay xubno badan oo Shabaab ka tirsanaa, halka ayaguna ay dileen taliyihii ciidanka Gorgor ee deegaanka Bariire iyo askar kale.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Sheekh Abuukar Maxamed Xasan oo ku sugan Sh/Hoose ayaa sheegay in dagaalkii maanta looga guuleystay kooxda Al-Shabaab, isagoo sheegay in ‘baqtigooda uu daadsan yahay’ goobihii lagu dagaalamay maanta.

Afhayeenka Xoogga ma uusan sheegin tirada rasmiga ah ee maleeshiyaadka dagaalkaas looga dilay Al-Shabaab, balse wuxuu faahfaahintiisa ku soo daray in horjoogayaal ay ku jireen, kuwaas oo hoggaaminayey duulaanka kooxda, laakiin ku baxay gacanta ciidanka Qaranka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dagaalkaas wuxuu saakay ka bilowday duleedka deegaanka Bariire, kadib markii ciidanka Gorgor oo ku sugnaa saldhig ay kala wareegeen ATMIS oo Bariire ku yaalla ay ka war-heleen in Shabaab duulaan ah ay ku soo wajahan yihiin.

Qorshaha Al-Shabaab wuxuu ahaa inay cagta mariyaan saldhigga, balse ciidanka oo ka warhelay duulaanka kooxda ayaa ka hortegay weerarkaas, waxaana duleedka Bariire ka qarxay dagaal bilowday saakay waaberigii oo soo gaaray maanta duhurkii.

Jab culus ayaa la gaarsiiyey Al-Shabaab, waxayna saraakiil la hadlay Caasimada Online noo sheegeen in meydkooda oo tira beel ah uu daadsan yahay howdkii lagu dagaalamay.

Ciidanka Gorgor ee xoogga dalka khasaare badan ayaa ka soo gaaray dagaalkaas, waxaana ku dhintay taliyihii ugu sareeyey militeriga ku sugan Bariire oo lagu magacaabi jiray Cabdisalaan Jaamac iyo askar kale.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegay in geesiyaashii Shahiiday maanta ay xaqiijiyeen mid kamid ah labadii hadaf ee qofka Soomaaliga ah ku waajibay, kuwaas oo kala ah in Shabaab la dilo ama ay ku dilaan.

Afhayeen Sheekh Abuukar ayaa sheegay in labadaas wax ka dhexeeya aysan u fureyn maanta dadka Soomaaliyeed, si gaar ah ciidamada qaranka ee hubka u qaatay inay dadka ka xoreeyaan argagixisada.

Djibouti 10ka Luulyo  2024 Waxaa ku sugan caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti ee Jabuuti hogaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) iyo xubno maamulkiisa ka tirsan. Booqashadan ayaa lagu sheegay mid shaqo, waana tii ugu horreysay ee hogaamiyahan ku tago Jabuuti tan iyo markii uu qarxay dagaalka gobolka Sool bilowga sanad kii hore ee 2023.

Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) iyo xubnaha la socda waxay kula kulmeen qasriga madaxtooyada Jabuuti Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wadahadlay xaaladda gobolka iyo xoojinta nabadgalyada Geeska Afrika.

Firdhiye ayaa warbixin ka siiyay Madaxweynaha Jabuuti xaaladda deegaannada SSC-Khaatumo, gaar ahaan maamul dhisidda iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha ee ku burburay dagaallada.

Wasiirka warfaafinta Maamulka SSC-Khaatumo Najiib Barkhadle ayaa sheegay in booqashadani uga dhigan tahay guulweyn.

“Maamulka SSC-Khaatumo in ay Jabuuti martiqaaddo oo uu casuumaad rasmiya helo, hogaanka sare waxay nooga dhigan tahay horumarka aan ka sameynayno dawlad dhiska iyo in ay muuqato awoodda aan ku leenahay geeska afrika, oo aan ku sameynayno in qiblada siyaasadeed ee horukaca geeska, aynu ku yeelanay minbar fiican iyo talaabo fiican oo aan soo gaarnay,’’ ayuu yiri wasiir Najiib.

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa hadda sheegaya in Jabuuti ay gacan ka geysan doonto, dawlad dhiska deegaannada ay maamulaan, si la mid ah taageerada Jabuuti ku garab taagan tahay Soomaaliya inteeda kale ee lagu xoojinayo hay’adaha dawladda.

‘’Waxaa xoogaa laga yaabaa in dadku ay isha ku hayeen arrimaha dagaalladii laga soo baxayay, marka si uun nabadgalyo looga helo gobolka ayay had iyo gooraale, dawladda aan dariska nahay, waa dawlad ka shaqeyneysay dhismaha maamul ama dawladeed ee Soomaaliya, sidaa daraadeed maamulka SSC-Khaatumo oo kamid ah maamullada dawladda federaalka waxa ay lamid tahay dhismihii ay ku haysay maamullada kale,’’ ayuu yiri wasiirka warfaafinta.

Maxaa iska badalay aragtida dadka qaar ee taageera SSC-Khaatumo ka qabeen Jabuuti?

Intii lagu jiray dagaalladii lagu hoobtay ee ka dhacay Laasacaanood sanad kii hore, waxa jiray dad taageerayay qadiyadda SSC oo ku eedeynayay Jabuuti in ay la safneyd Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Laakiin dooddaas dadka riixayay marna ma aysan soo bandhigin caddeyn ku saabsan eedeynta ay Jabuuti u jeediyay.

Wasiirka Warfaafinta SSC-Khaatumo Najiib Barkhadle ayaa ku jawaabay: ‘’eed gaar ah oo Jabuuti ay ku eedeysnayd burburinta iyo in ay qayb ka ahayd dagaalkii qoladan fallaagada ah, waxay iska ahayd aragti fadhi kudirirrada lagu buunbuuniyay, laakin wax eed ah oo SSC-Khaatumo toos ugu jeedisay dawladda Jabuuti ma jirin’’.

Xiriirka dhaw ee dhexmaraya Jabuuti iyo SSC-Khaatumo ayaa loo tiirinayaa isabadallada iyo kihilaafyada ka soo kordhay Geeska Afrika.

Barfasoor Maxamed Xuseen oo bare ka ah Jaamacadda Muqdisho ayaa sheegaya in markii hore ay Jabuuti u arkaysay, Somaliland oo wadajirta in ay ku jirto danta gobolka, maadaama ay xuduud dheer oo bad iyo bari lehba wadaagan. Si taasi aanay uga caraysiin Muqdisho, waxay ku daadlaysay in la wadahadalsiiyo Somaliland iyo Dawladda Federaalka, wayna dhacday taasi.

Laakin wax kasta waxay isbadalleen markii heshiiska is af-garadka ah ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland billowgii sanadkan, sida uu qabo Barfasoor Maxamed Xuseen.

‘’Arintu waxay is badashay markii Somaliland heshiis la saxiixatay Itoobiya oo bad iyo saldhig milatari la siinayo, Jabuuti waxay u aragtay in taasi khatar weyn ku tahay amnigeeda qaran iyo kan badda casba, sidoo kalena uu dhaqaalaheeda dhaawac weyn ku yahay, sidaa daraadeed aragtidii ay ka qabtay Somaliland way isbadashay’’.

Wadaxaajoodyada maxabiista lagu kala qabsaday dagaalkii Laasacaanood

Wafdiga SSC-Khaatumo ee jooga Jabuuti waxa kale oo ay la kulmeen xoghaye ku xigeenka urur goboleedka IGAD Maxamed Cabdi Waare. Waxaana labada dhinac ka wadahadleen arinta maxaabiista.

Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in xubnaha Khaatumo ay kala hadleen arimo ay ka mid yihiin khilaafka SSC-Khaatumo iyo Somaliland.

‘’Waxa kale oo aan ka wadahadalnay khilaafka Somaliland iyo Khaatumo, gaar ahaan maxaabiista dagaalka, daryeelkooda iyo badqabkooda, iyo kaalinta IGAD ka ciyaari karto sii deyntooda, isla wadahadalkaas waxaan la yeelan doonaa Somaliland marka ay suurtagal noqoto,’’ ayuu yiri xoghaye kuxigeenka guddiga fulinta ee IGAD.

Dhanka SSC-Khaatumo, waxay sheegeen “waxyaalaha la isla soo qaaday waxaa ka mid ahaa arimaha maxaabiista, arrimaha maxaabiistuna waa kiis caalami ah, annagana si gaar ah saameyn noogu leh, labo dhinac marka loo kala qaado, waxaa ku jira dad dambiilayaal ah oo waaweyn oo iyagoo gacanta dambiga iyo dhiigga kula jira la qabtay, dadkaas maxkamad uun bay sugayaan’’ ayuu yiri wasiir Najiib.

Wadahadal labada dhinac dhexmara ayay shardi uga dhigeen Khaatumo in Somaliland ogolaato in loo wadaxaajoodo labo maamul oo daris ah, nabadna ay qaataan.

WARARKA MAANTA 9ka Luulyo  2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta  Maxuu kashifay Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre “OG-360 Dhaweeye” oo ay xukuummaddiisa “Dhiqlaha/kutaanta” fadhiid noqotay? Maxuue yahay labada mooshin ee is-barbar socda? Maxuu ku guul-daraystay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Maxuu  Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” u diidan yahay inay doorashooyin qabtaan dowlad gobaleedyada dalka? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub? Yaa noqon doona raysal Wasaaraha cusub? Yaa noqon doona guddoomiyaha cusub? Maxay beesha caalamka u diiday inay wax dhaqaallo siiso Dowladda  Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso! 

Mudug 9ka Luulyo  2024  Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in dagaal beeleedyada ka dhacay gobolka Mudug ay ka dhasheen barakac baahsan iyo khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac afartii bilood ee la soo dhaafay.

UNHCR ayaa xustay in xaaladdu ay beryahan dambe aad u sii xoogaysatay, sababo la xidhiidha iska-horimaadyo xooggan. Dagaal beeleedkan ayaa ka dhex qarxay beelaha  Sacad iyo Lelakase.

Sida ay sheegtay Hay’adda Samafalka, iska horimaadka ayaa ka bilowday Ceel-biyood laga qoday deegaanka Jiicboor ee degmada Galdogob, kaasi oo la sheegay in beesha kale ay ka hortimid. Dagaaladan ayaa si weyn u saameeyay dhamaan goobihii lagu dagaalamay iyo deegaanada ku dhow dhow, waxaana dagaalada ugu badan ay ka dhaceen Xasaasaale, Laan-calawo, Buulaalay, Taaroge, Miigaagta, Laan-waalay, Kal-miigaag, Ina-dhabaray Jiicboor, Nugaal-gibin, Jiingada. Dhuxul-Shidka, iyo Laama Ari.

UNHCR ayaa warbixin ay soo saartay ku diiwaan gelisay burburka ballaaran ee soo gaaray kaabayaasha dhaqaalaha iyo carqaladeynta nolol maalmeedka dadka deggan deegaannadaas. Sida laga soo xigtay maamulka, dagaalka ayaa sababay barakaca 970 qoys iyo in ka badan 5,820 qof.

“Tani waxay ku qasabtay qoysaska inay magangalyo u raadsadaan tuulooyinka deriska ah iyadoo ay jiraan xaalado adag,” ayay tiri hay’adda UNHCR.

Dagaal beeleedka ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro kala duwan oo soo kala gaaray Maleeshiyaadkii dagaalamay, waxaana ku dhintay 6 qof oo shacab ah oo ay ku jiraan saddex Carruur ah.

“Xaaladda dhulka ayaa weli ah mid aan degganayn, iyadoo ay jiraan walaacyo bini’aadantinimo oo weyn,” ayay tiri UNHCR

UNHCR waxa ay sheegtay in qoysasku ay ka carareen guryahoodii, kana tageen alaabtii ay wateen, isla markaana ay la soo derseen dhibaatooyin badan.

Colaadda, ayay sheegtay in ay sidoo kale hakad galisay adeegyadii muhiimka ahaa ee ay ka mid ahaayeen waxbarashada, iyadoo xaddiday in carruurtu ay wax bartaan, ayna uga sii darto dhibaatooyinka bini’aadantinimo. Haweenka, carruurta, iyo dadka da’da ah ayaa weli ah kooxaha ugu nugul khatarta rabshadaha iyo dhibaatooyinka.

“Waxaan ku boorineynaa dhammaan dhinacyada inay mudnaanta siiyaan ilaalinta rayidka,” UNHCR ayaa sidaas tiri, iyadoo maamullada iyo ururrada caalamiga ah ay sidoo kale ku baaqeen in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka.

Muqdisho  9ka Luulyo  2024 Ciidamada Israel ayaa aad ugu sii siqay gunta magaalada ugu weyn Marinka Gaza, iyaga oo sheegay in ay la dagaallami doonaan dagaal-yahannada Xamaas oo ay sheegeen in ay halkaasi dib ugu soo laabteen.

Ciidanka Israel ayaa Isniintii ku amray dadka aaggaasi daggan in ay isaga baxaan, taasi oo keentay in kumannaan qoys ay markale si dhaqso ah uga cararaan duqeymaha ciidamada Isra’il.

Israel waxay sheegtay in markale ay ciidankoodu kula dagaalamayaan aagga waqooyi ee Gaza, halkaas oo ay ah meeshi uu ka billowday duullaanka Israel billowgi dagaalka Gaza.

Saraakiisha Xamaas ayaa ka digay in weerarka cusub ee Israel ay ka billowday Gaza uu halis ku yahay wada-hadallada xasaasiga ah ee xabbad-joojinta ee ay dowldaha Mareykanka, Qatar iyo Masar ka dhex wadaan Xamas iyo Israel.

Dadka deegaanka waqooyiga Gaza ayaa sheegay in duqeymihi cirka ee ay Israel shalay ka fulisay halkaasi ay ahaayeen mid kamid ah kuwii ugu cuslaa uguna khasaaraha badnaa tan iyo marki uu billowday dagaalka muddo hadda laga joogo 9 bil.

Dowladda Mareykanka ayaa Isnintii xaqiijisay in saraakiil sare oo Mareykan ah ay gaareen magaalada Qahira ee dalka Masar, si ay u riixaan heshiiska xabbad-joojinta ee hindisihiisu uu lahaa madaxweyne Biden.

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in agaasimaha hey’adda CIA Bill Burns iyo Ergayga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Bariga Dhexe Brett McGurk la filayo in ay Qahira wada-hadallo kula yeeshaan dhigooda dalalka Masar, Israel iyo Urdun.

Djibouti  9ka Luulyo  2024 Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo booqasho rasmi ah ku jooga Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa kulan xasaasi ah la qaatay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Hoggaamiyaha ayaa madaxweyne Geelle uga warbixiyay xaaladda guud ee SSC-Khaatumo, nabadda iyo xasilloonida ka jirta deegaannadaasi, maamul dhiska iyo hiigsiga dhaw ee dibu dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay SSC-Khaatumo.

Firdhiye ayaa sidoo kale si weyn uga mahad-celiyey soo dhawaynta diirran ee shacabka iyo dowladda Jabuuti ku soo dhaweeyeen wafdiga uu horkacayo ee SSC-Khaatumo.

“Hoggaamiyaha ayaa bogaadiyay doorka dowladda Jabuuti ee dowlad dhiska Soomaaliya iyo guud ahaan iskaashiga amniga ee gobolka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay SSC-Khaatumo

Madaxweyne Geelle ayaa dhankiisa bogaadiyey booqashada hoggaamiyaha iyo wafdigiisa ku yimaadeen dalka Jabuuti, isagoona xusay in Jabuuti tahay dal iyo dowlad xarun u ah Soomaali oo laga jecel yahay dhammaan dadka Soomaliyeed.

Shalah ayey aheyd markii uu Firdhiye dalka Jabuuti uu kulan muhiim ah kula qaatay madaxda u saraysa urur-goboleedka IGAD, oo uu hoggaaminayey Xoghaye ku-xigeenka sare ee IGAD Maxamed Cabdi Waare oo ah madaxweynihii hore ee HirShabeelle.

Madaxda IGAD ayaa hoggaamiyaha kala hadlay sidii Geeska Afrika looga heli lahaa nabad waarta oo ku dhisan is qadarin iyo deris-wanaag, iyada oo Firdhiye u cadeeyey madaxda IGAD in shacabka iyo maamulka SSC-Khaatumo ay diyaar u yihiin ka shaqaynta nabadda iyo deris wanaagga.

Si kastaba, socdaalka hoggaamiye Firdhiye ee dalka Jabuuti ayaa imanaya xilli ay xiisad xooggan ka dhaxeyso hoggaanka Somaliland iyo Jabuuti, islamarkaana ay dowladda Jabuuti marti-gelisay jabhad kasoo jeeda gobolka Awdal oo rabta inay dagaal la gasho maamulka Muuse Biixi.

Muqdisho  9ka Luulyo  2024 Hoggaanka booliska Soomaaliya ayaa la filayaa inuu isbeddel ku dhaco. Wararka la xiriira in xilkaan la siinayo taliyihii hore ee ciidanka PSF Jeneraal Asad Cusmaan Diyaano ayaa noqday kuwo soo noq-noqday dhowrkii asbuuc ee lasoo dhaafay.

Kursiga hadda waxaa ku fadhiya Jeneraal Sulub oo si gaar ah isku xisaab ku yihiin ra’iisul wasaare Xamza. Gudaha saami-qeybsiga reerka uu Xamza ku metelo 4.5 ayaa dheelinaayay muddooyinkii lasoo dhaafay, iyada oo ra’iisul wasaaraha uu hal dhinac marsaday xilkiisa iyo xilal kale oo kamid yihiin;

  1. Taliyaha booliska
  2. Safiirka Itoobiya
  3. Safiirka Imaaraafka
  4. Ergeyga Xasillinta iyo
  5. Hoggaanka dhowr hay’adood oo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo marwalba lagu eedeeyo inuu qabo colaad gaar ah oo reerka Puntland deg ah ayaa hadda la eegaya haddii uu dib u sixi karo saami-qeybsiga, gaar ahaan haddii uu ra’iisul wasaarihiisa ku qancin karo inuu dadka la dhashay wax u hanbeeyo.

Xasan Sheekh oo laba jeer madaxweyne noqday wuxuu magacaabay afar ra’iisul wasaare. Hal mar ayuu qalinkiisu qabtay qof reer Puntland ah waana Cumar Cabdirashiid, kaas oo isna la sheegay inay safaaradda Mareykanka soo jeedisay magacaabistiisa, maadaama uu Xasan Sheekh xilligaasi aad u rabay inay Mareykanka la shaqeeyaan.

Macnaheedu waa in reer Puntland ay weli u dhadhami la’yihiin madaxweyne Xasan Sheekh.

Hadda iyo taliyaha booliska

Wararka ah inuu kursiga u dhowyahay dhinaca Asad Diyaano waa kuwo saxan. Waxaase la sheegay inuu ra’iisul wasaare Xamza dagaal badan u galay inuu Sulub sii joogo taliska booliska.

Xubno badan oo siyaasiyiin ah oo reer Puntland oo madaxweyne Xasan Sheekh dhowr jeer kala hadlay mowduucan, ayuu Xasan u sheegay inay xaggiisa diyaar ka tahay, balse wuxuu farta ugu fiiqay dhinaca xafiiska ra’iisul wasaaraha, kadibna waxay xubnahaasi u sheegeen Xasan Sheekh inuu isagu soo xaliyo ra’iisul wasaarihiisa.

Xogihii u dambeeyay ee kursigan waxay sheegayaan inay Xasan Sheekh iyo Xamza ka wada-hadleen in kursiga la siiyo Asad Diyaano, oo hoos loo dhigo colaaddii ay ku mideysnaayeen ee reer Puntland.

Xamza waxaa la sheegay inuu hadda halkii hore kasoo dabcay oo uu ogol yahay in la beddelo Sulub, si loogu diyaar garoobo marxalada labaad ee xukunka Xasan Sheekh oo hadda laba jirsaday

Haddaba, waa maxay muhiimadda loo qaadanayo Asad Diyaano?

Midda koowaad: Xasan Sheekh waa kasoo qancay in aanay isaga iyo Saciid Deni dib isku aamini karin. Deni hadda diyaar uma ahan sida la sheegay inuu Xasan Sheekh waxba badan la wadaago, wuxuuna bilaabay inuu yiraahdo “nuuca doorashada iyo inay waqtigeeda ku dhacdo unba Xasan Sheekh ka rabna”.

Haddii aadan Deni haysan, waa inaad Asad Diyaano haysatid marka dan ka leedahay Puntland.

Midda labaad: waa macaamilka hay’addaha amniga ee caalamka. Taliyaha hadda xilka jooga Sulub iyo taliyaha la saadaalinayo inuu beddeli doono Asad Diyaano masaafo dheer ayaa u dhaxeysa xagga xiriirka hay’addaha amniga ee caalamka.

Midda saddexaad ee Asad Diyaano loo qaadanayo waa dib u nooleynta shaqada booliska oo hadda u muuqata inay si weyn uga hoos martay heerkii laga rabay, gaar ahaan sida uu booliska u samata-bixin karo umad colaad kasoo kabaneysa.

Wararka waxay intaas ku darayaan in tobanka cisho ee soo aadan la magacaabi karo Asad Diyaano hadddi aanay wax kale isbeddelin oo uusan markale madaxweyne Xasan Sheekh ka boodin reer Puntland.

Muqdisho 9ka Luulyo  2024 Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe la kulmay ayaa u sheegay in aan ajendaha Villa Somalia lagu sii wadi karin howlaha baarlamaanka, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xogta aan helayno ayaa sheegaysa in illaa labaatameeyo xildhibaan oo ka tirsan golaha ay Aadan Madoobe si cad ugu sheegen in guddoonka baarlamaanka looga baahan yahay inuu ka baxo jeebka madaxtooyadda iyo xukuumadda.

Xildhibaannada ayaa ka digay in haddii guddoonka uu sii wado afduubka uu ku haayo howlaha baarlamaanka ay qasab noqon doonto inuu xirmo fadhiyada baarlamaanka, wixii mas’uuliyad ah ee ka dhasha uu qaadayo guddoonka.

Kal-fadhiga 5-aad ee baarlamaanka oo furmay horraantii toddobaadkan ayaa waxay Villa Somalia qorsheynaysa inuu meel-mariyo sharciyo dhowr ah oo kamid yahay kan doorashooyinka, guddiga doorashooyinka iyo xeerka lagu dhisayo iyo weliba sharciga axsaabta, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Madaxtooyadda oo gacan ka helaysa guddoonka baarlamaanka ayaa qorsheynaysa in sharciyadan ay marsato baarlamaanka inta lagu jiro kal-fadhiga 5-aad, xilli ay xildhibaannada qaar durba muujiyeen sida ay uga soo horjeedan qorshaha Villa Somalia ay usoo xambaarineyso guddoonka baarlamaanka.

Villa Somalia ayaa horey u marsatay baarlamaanka afartii cutub ee dastuurka ee mucaaradka ka qeyliyay iyo heshiiskii Turkiga ee illaa hadda baarlamaanka aqoonin wax ku qoran, kuwaasi oo dhamaantood ku gacan siiyay guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Horey waxaa buuq badan ka dhashay ansixinta cutubyada hore ee dastuurka, kaasi oo illaa hadda diidan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka, maadaama ay ku jireen qodobo culus oo qeyb ka tahay nooca doorasho ee la aadayo, taasi oo illaa hadda wax tallaabo ah loo qaadin.

Si kastaba, weli ma cadda sida ay wax noqon doonaan, waxaana muuqata in markaan Villada ay rabto inay dhameystirato qorshaha qabyada ka ah, kaasi oo diidan yihiin xildhibaannada qaar oo la safan mucaaradka.

Muqdisho  9ka Luulyo  2024 Maanta shacabkii deganaa xaafada Dab-demiska way ilmeynayaan, madaxweyne Xasan Sheekhna wuxuu ka degay waddanka Eritrea.

Waxyar maskaxdaada dib u celi. Maalintii loo dhaqaaqay fulinta go’aankii xabaala faaga ee qabuuraha Iskuul Buluusiyo, iyaduna madaxweynaha wuxuu ka degay waddanka Norway.

Waxaa jira cilaaqad caan ah oo ka dhaxeeya fulinta go’aamada taabanaya shacabka iyo dhuumashada madaxda. Marwalba oo la fulinaayo go’aan taabanaya shacabka weliba markii awood ciidan la adeegsanayo sidii shalay ama go’aanka sharci darro yahay waa ku adag tahay madaxda inay xafiisyadooda ku sugaan fal-celinta go’aankooda.

Xilliyadan oo kale waxaa xafiisyada madaxda tega dad raadinaya madaxda oo dalbanaya ka noqoshada go’aannada nuucaan ah ama raba inay tallo ka bixiyaan fal-celinta taban ee ka imaan karta arrinta maanta ama mustaqbalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bixiyay amar ah in lasoo faago qabuurihii Iskuul Buluusiyo. Wuxuu fulinta ku aadiyay markii uu ka degay waddanka Norway, isaggoo aaday shir heer wasiir ah oo ay qabatay madasha Oslo Forum.

Xilligaas ayaa la sheegay inuu madaxweynaha amray in howsha laga falxasho inta uusan dalka kusoo laaban. Dhowr maalmood ayuu madaxweynaha ku qaatay waddanka Norway, balse intaasi kuma dhamaanin howshii qabuuro faagu.

Wuxuu aaday haddana dood heer hoose ah oo ka dhaceysay Switzerland, laakiin xiisaddii qabuuraha waa sii taagneyd. Wuxuu go’aansaday inuu sii aado Turkiga, laakiin madaxweyne Erdogan ayaa u sheegay inuu fasax Ciideed ku jiro oo uusan cidna qaabileyn xilligan.

Kadibna wuxuu Xasan Sheekh la kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee waddanka Turkiga, laakiin dhowrkii maalmood ee maadashada aheyd kuma dhamaanin howshii qabuuraha Iskuul Buluusiyo, kadibna wuxuu madaxweynaha sii aaday Jabuuti, balse intaas waa ku dhamaan weysay oo illaa maanta dad ayaa weli la baxaya maydadka ehelkooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu intaasi ka maadanaayay fal-celinta shacabkii ka gadoodsan maydadkii ehelkooda ee dib loo soo faagay, ama inuu qaabilo dad arrintaasi ergo ka ah ama xitaa inuu telefishanada kala socdo ilinta shacabka Soomaaliyeed ee isagu sababay.

Markale shalay wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh amray in duullaan lagu qaado xaafadda Dab-demiska oo awood looga saaro dadkii halkaas deganaa, wuxuuna kadib u dhoofay waddanka Eritrea.

Waa markii labaad ee isla xirfadaan uu adeegsanayo madaxweyne Xasan Sheekh mana is arkayaan isaga iyo dadka ergada ka ah fulintaan hubeysan ama kuwa isaga u diir-naxaaya ee raba inay u sheegaan sumcad darrada uu ka dhaxlayo dhaqamada nuucaan ah.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa badi fahamsan inuu madaxweynahoodii ka cararaayo inuu dhageysto dareenkooda, ilintooda, baahidooda iyo gar-dhigashadooda.

WARARKA MAANTA 8da Luulyo  2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta  Yaa dhahay waxaa la shaqaalaynaa ciidamo boolis cusub oo haddana Af-Ingiriis ku soo qoray warbaahinta ku hadasha afka dowladda? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inay #Soomaaliya samayso lacag Soomaali Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inay Dowladda Soomaaliya Iyo Dowlad Gobaleedyada wadashaqeeyaan Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa qoysaskiisa u ogolaaday inay lacago baad ah ka qaadaan shirkaddaha dowlliga ah iyo gacansiyada shacabka? Yaa diiday inay labada aqal wadashaqeeyaan? Yaa Shabaab ka dhigay inay ka dhex shaqeeyaan dowladda Soomaaliya wasiir iyo wixii la mid ah?

 Ha Wiqleyso! 

Puntland  8da Luulyo  2024 Labo xubnood oo katirsanaa kooxda Daacish ayaa iskusoo dhiibay ciidamada Daraawiishta ee Puntland ee ku sugan deegaanka Balidhidhin ee gobolka Bari. Labadan xubnood oo watay hubkoodii iyo dareeskoodii ciidan, ayaa wareysi kooban oo lala yeeshay waxay sheegay in loo tababarayay sidii ay dagaal ula gali lahaayeen kooxda Alshabaab.

Waxay sheegeen in aysan ku qancin afkaarta kooxda Daacish. Waxay tilmaameen in ay marar kala duwan isku dayeen inay kasoo goostaan Daacish, balse aysan u suurto galin.

Waxay sheegeen inay saddex cishe jidka kusoo jireen, ayna ku faraxsan yihiin in lasoo dhoweeyay, oo ay la shaqeyn doonaan ciidamada  Puntland.

Daacish iyo Shabaab ayaa ku dagaalamaya gacan sarraynta gobolka Bari. Labada dhinac ayaa marar badan ku dagaalamay buuraha Calmiskaad.

Bishii Abril, kooxda Daacish ayaa sheegtay inay 50 xubnood oo katirsan Alshabaab ku dishay dagaal ka dhacay buuraha Calmiskaad, iyagoo sheegay inay dhul badan kala wareegaan kooxda Alshabaab.

Dagaalka Shabaab iyo Daacish ayaa la rumaysan yahay inuu salka ku hayo dano dhaqaale, iyadoo labada koox ay lacago fara badan oo baad ah ay ka qaataan  ganacsiyada magaalada Boosaso.

Muqdisho 8da Luulyo  2024  Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa looga hadlay dagaal beeleedka maalmaha qaatay ee ka socda gudaha degmada Luuqa oo ka tirsan gobolka Gedo.

Xamza ayaa baaq deg-deg ah kasoo saaray dagaalkaasi, wuxuuna ka dalbaday labada beelooed inay dirirta joojiyaan, si looga hortegi dhiigga macno darrada ah ee daadanayo.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa maamulka Jubaland ay qaadayso tallaabooyin degdeg ah oo lagu xaqiijinayo nabadda iyo degenaanshaha degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Xaaladda Luuq ayaa maanta deggan, inkastoo ay weli is horfadhiyaan maleeshiyaadka ku dagaalamay magaaladaas oo dagaalkoodu sababay khasaare aad u wayn.

Si kastaba waxaa dagaalkan oo socdo ku dhowaad todobaad ayaa lagu dilay illaa 20 qof, wuxuuna u dhaxeeyaa labo jifo oo ka soo kala jeeda beelaha Mareexaan iyo Raxanweyn.

Muqdisho 8da Luulyo  2024 Ciidamo la tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saaka howlgal culus kula jarmaaday xaafadda Dab-damiska ee degmada Wadajir, halkaas oo ay ka bilaabeen howlo burburin ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa booliska ayaa lasoo wariyay in xalay saqdhexe la geeyay gudaha xaafaddaasi oo ay horay amar uga soo saartay dowladda Soomaaliya, si looga guuro maadaama uu yahay dhul dan-guud ah.

Gaadiidka Cagaf-cagafka ayaa la geliyay gebi ahaan dhulka Dab-damiska, kuwaas oo jajabinaya guryaha ay muddada dheer daganaayeen shacabka ku dhaqan halkaasi.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa bilaabay in ay xaafadda ka qaataan alaabtooda inta ay awoodaan, maadaama aan gaadiid loo ogoleyn halka uu howlgalka ka socdo, waxayna gacmaha iyo doodkooda ku qaadayaan inta ay awoodaan.

“Lixdan baan jiraa maato ayaa guriga ii dhex taallo oo aanan qaadan karin sideed saac habeenimo ayaa nasoo weerartay waxaasna wax macquula ma ah” ayay tiri hooyo kamid ah dadka deegaanka

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana sidoo kale xiran dhammaan waddooyinka ku dhow dab-damiska, gaar ahaan Isgoyska Banaadir, illaa Seybiyaano.

Ciidamada ayaa celinaya gaadiidka iyo xittaa dadka lugeynaya, waxaana kaliya ay ogol yihiin in laga soo baxo, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Xaafadda Dab-damiska ayaa waxaa in muddo ah ka taagnaa xiisad xoogan, balse saaka ayay dowladdu qaaday tallaabo culus oo xoog loogu rarayo shacabka ku dhaqan halkaasi.

Muqdisho 8da Luulyo  2024 Shirka amniga caasimada ayaa ka qabsoomay magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlayay dardar-gelinta amniga caasimada oo bilihii dambe aad u wanaagsanaa.

Shirkan ayaa waxaa qeyb ka ahaa taliska NISA uu metelayay taliye Muhiyadiin Warbac, taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale.

Shirkan ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siaasadda gobolka iyo saraakiisha u xilsaaran amniga magaalada Muqdisho.

Warbixin la xariirta dhinaca amniga ayaa waxaa shirka looga dhageystay hay’addaha kala duwan ee amniga, kuwaasi oo soo bandhigay isbadalka ku dhacay Amniga Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ku amaanay saraakiisha laamaha amniga sida ay habeen iyo maalin ugu taagan yihiin ilaalinta nafta iyo maalka muwaadinka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu kula dar-daarmay in la xoojiyo amniga ay ku nool yihiin shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa qeyb ka ah dardar-gelinta iyo xoojinta amniga caasimada, oo waayihii dambe ka nasatay falalkii argagixisada ka geysan jireen, kuwaasi oo ay ku bixi jireen tobanaan iyo boqolaal shacabka magaalada.

Maraykanka 8da Luulyo  2024 Bishan July waxaa bilowday sanad dhaqaaleedka ururka bulshada bariga Afrika ee ay dhawaan xubin ka noqotay Soomaaliya, waxaana dhaman wadamada xubnaha ka ah ay bixiyaan lacago luugu talagalay in lagu guto waajibaadka ururka.

Soomaaliya oo ah dalkii ugu dambeeyay ee ku biiray ururka ayaa laga doonayaa in uu bixiyo lacag dhan 7.8 milyan oo doolarka Maraykanka ah, taas oo ah lacag ay bixiyaan dhamaan wadamada xubaha ka ah, sida uu BBC da u sheegay Cabdisalaan Hadliye, oo ah Ergeyga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arimaha ururka bulshada bariga Afrika.

Soomaaliya ayaa waxaa looga baahan yahay in ay ku bixiso lacagtaas muddo 12 bilood gudahood ah, oo ka bilaabaneysa kowda bisha July ee sanadkaan, sida uu sheegay Hadliye.

Arrintaan ayaa ka dhigan in dakhliga sanadlaha ah ee dallada bulshada bariga Afrika ay ku korortay 7.8 milyan oo dollar, taas oo ah lacagta ka imaan doonta dhanka Soomaaliya.

Sida uu ka sheegay kulanka sanadlaha ah ee Ururka, Madaxa golaha wasiiradda ee ururka bulshada bariga Afrika, Deng Aloor – Dakhli sanadeedka 2024/2025 ee dallada ayaa waxa uu ku soo aadayaa “Xilli dhaqaalaha wadamada ku bahoobay EAC uu wajahayo xaalado caalami ah oo aad u daran, taas oo ay ka tan bateen khilaafaad juquraafi iyo saameynta uu keenay isbadalka cimilada,”.

Sidoo kale waxa uu sheegay in sicirka shidaalka ee cirka isku sii shareeraya iyo cuntada aan la goyn Karin qiimaheeda ee ka jira gobolka ay cadaadis xoog leh ku keeneen sarrifka lacagaha qalaad.

Balse waxa uu xusay Deng, in in kasta oo caqabado badan oo nuucaasi ah jiraan, hadana uu kordhay dhaqaalaha Dallada Bulshada Bariga Afrika.

“Sare u kaca dakhliga ururka waxa uu ka yimid 2.8% isaga oo gaaray 8.1%, dhamaan dhinacyaduna waxay sheegeen in ay wadi doonaan horumarinta kororka dakhliga”, ayuu ka yiri Kulanka Mr. Deng.

Maxaa loo adeegsan doonaa lacagtaan?

Kulanka sanadlaha ee sharciga ah ee ururka ayaa waxaa looga hadlay kobaca dhaqaalaha wadamada ku bahoobay ururkaan iyo sidoo kale hab adeegsiga dakhligii 2023/2024, isaga oo goobta ka xusay warbixinta hantidhawrka ee faahafaahineysay arrimahaas.

Waxa kale oo uu sheegay wasiirku arimaha muhiimka ah ee ay doonayaan in ay ku bixiyaan dakhliga sanadkaan, waxa uuna faahfaahiyay qoondooyinka ay kala siin doonaan arimo ay ugu waawayn yihiin amniga iyo nabadda gobolka.

Waxa uu sheegay in lacag dhan 1 milyan oo doolarka Maraykanka ah ay u qoondeeyeen in lagu bixiyo nabadda iyo amniga gobolka sidii loo sii xoojin lahaa.

Arimaha ganacsiga iyo maalgashiga ayuu sheegay in loo qoondeeyay lacag gaaraysa 7 milyan oo doolarka Maraykanka ah, halka arimaha bulshada iyo waaxyaha waxsoosaarka leh uu sheegay in lagu bixin doono lacag gaareysa 6.2 milyan oo doolarka Maraykanka ah.

Horumarinta hay’adaha ayuu sheegay in ay ku bixi doonto ilaa iyo 10.4 milyan oo doolarka Maraykanka ah.

Lacagta ugu badan ayaa waxa ay ku bixi doontaa xubnaha iyo hay’adaha ururka oo loo qoondeeyay lacag dhan 66.3 milyan oo doolarka Maraykanka ah.

Dakhliga guud ee ururka ee sanad dhaqaaleedka 2024/2025 ayaa waxa uu yahay $112,984,442 sida uu sheegay wasiirku.

Soomaaliya ayaa ku biirtay ururka bulshada bariga Afrika bishii Maarso ee sanadkaan.

Waddamada xubnaha ka ah EAC ayaa waxa ay iska kaashadaan dhinacyo khuseeya siyaasadda, ammaanka, difaaca, dhaqaalaha, dhaqanka, tiknoolajiyadda iyo sharciga. Dalalka ayaa ku haminaya inay sameeyaan is dhexgal buuxa oo dhinacyo badan.

Dalalka ayaa sanadkii 2005 ku heshiiyay kastam midaysan oo ay alaabaha iyo dadka si xor ah uga kala gooshi karaan waddamada. Shuruudda ku xiran alaabahaas ayaa ah inay ka yimaadaan gudaha waddamada xubnaha ka ah EAC.

Si loo xoojiyo dhaqaalaha waddamada iyo horumarkooda, ururka EAC ayaa sameeyay suuq gaar ah oo shaqeynayay tan iyo 2010. Waddamada ayaa sidoo kale ku haminaya in sanadka 2023 ay samaystaan lacag u gaar ah.

Muqdisho 8da Luulyo  2024 Afhayeenka ciidamada booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo maanta shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay howlgalka lagu qaaday xaafadda Dab-damiska oo ay saaka tageen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.

Cabdifitaax ayaa sheegay in ciidanka Boolisku ay saaka ka halkaasi ka wadaan shaqo culus, wuxuuna tilmaamay in dib loo howlgelinayo xaruntii Dab-damiska ee uu lahaa dalka.

“Ciidanka dab-damiska Soomaaliyeed saaka waxay dab-damiska ka wadaan shaqo lagu diyaarinaayo goobtaasi, si looga dhiso xarun wayn oo magaalada Muqdisho u noqon doonta dab-damis la tacaala dhibaatooyinla dabka soo noqnoqday” ayuu afhayeenka Booliska.

Afhayeenka ayaa xusay in baahi wayn loo qabo dhismaha xaruntan, isaga oo sheegay in tirakoob uu sameeyay taliska booliska ay ku ogaadeen inay magaalada Muqdisho ku gubatay illaa 47 goobood oo ay ku gubtay hanti Soomaaliyeed, balse hadda kadib loo heli doono xal dhammaan dhibaatooyinkaasi.

“Tirakoob uu sameeyay taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaa gubatay illa 147 meelood oo isugu jiro meelo yaryar iyo meelo waa wayn oo ay ku baaba’day hanti Soomaaliyeed oo ay lahayd bulshada Soomaaliyeed” ayuu sii raaciyay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in shacabka dagan dhulka Dab-damiska la siiyay waqti ku filan, isla markaana uu maanta ku ekeaa isaga oo tilmaamay in inta badan laga guuray, dadkii harana ay gacam siinayaan ciidamada Booliska.

“Boolisku wuxuu waqti dheer siiyay muwaadiniin daganayd halkaas, waqtigaas oo maanta ku ekaa, dadka intood badan way guureen wayna mahadsanyihiin intii kalena waxaa caawinaya booliska oo baabuur ugu deeqaayo” ayuu mar kale yiri afhayeenku.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray warbaahinta oo uu ka dalbaday inay ka shaqeeyaan horumarka iyo wanaagga dalka.

“Saxaafadda waxaan leenahay dab-damisku bulshadii daganeyd iyo boolisku ay wada shaqeeyeen wuu dhamaaday dhismihiina waa la bilabaayaa ee ka shaqeeya wanaagga” ayuu kusoo gabagabeeyay afhayeenka booliska.

WARARKA MAANTA 7da Luulyo  2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta  Yaa noqday Madaaxweynaha ugu beenta badan #Africa Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu runta u sheego Ummadda Soomaaliyeed Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inay #Soomaaliya samayso lacag Soomaali Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inay Dowladda Soomaaliya Iyo Dowlad Gobaleedyada wadashaqeeyaan Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa qoysaskiisa u ogolaaday inay lacago baad ah ka qaadaan shirkaddaha dowlliga ah iyo gacansiyada shacabka? Yaa diiday inay labada aqal wadashaqeeyaan? Yaa Shabaab ka dhigay inay ka dhex shaqeeyaan dowladda Soomaaliya wasiir iyo wixii la mid ah?

 Ha Wiqleyso! 

Muqdisho 7da Luulyo  2024 Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay, Alshabaab inay qeybo kamid ah gobolada dalka ka bilaabeen iska horkeenidda qabaailada si ay colaad uga dhex abuuraan, dhexdoodana uga abuuraan cadowtinimo. Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu sheegay ujeeddada ay Shabaabku ka leeyihiin  tallaabadan in ay tahay, sidii ay u cuuryaamin lahaayeen wajiga labaad ee howlgallada dib u xorraynta degaanada Shabaabku haystaan, oo uu sheegay  in ay dowladdu ugu diyaar garow xooggan howlgalladaas.

“Waa qeyb kamid ah qorshaha argigigxisada iska horkeenidda shacabkeenna, si aan ugasii jeesano xorraynta dalka. Taasi ma dhacayso. Dalkeenna waan nabadaynaynaa, Khawaarijtana dalka waan ka saaraynaa” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh.

Madaxweynaha waxa uu bogaadiyay dadaalada dowlad goboleedyada iyo odayaasha dhaqanku ugu jiraan sidii loo dhamayn lahaa colaadaha beelaha. Waxa uu sheegay dowladda Federaalka inay dadaalo xooggan galinayso nabadaynta dalka.

Hadalka madaxweyne Xasan Sheikh ayaa yimid, iyadoo Alshabaab ay wadaan dhaqdhaaqyo ay dib ugu qabsanayaan degaanadii laga xoreeyay.

Maalintii jimcaha, Alshabab ayaa sheegay inay la wareegeen degaanka Goof Gaduud Buureey oo 30km u jirta magaalada Baydhabo, kaddib markii ay ku qaadeen weerar jarmaado ah.

gAZA 7da Luulyo  2024 Ugu yaraan 16 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerar cirka ah oo ay ciidamada Isra’il Sabtidi ku bartilmaameed-sadeen dhisme iskuul oo ay ku noolyihiin qoysas barakac ah bartamaha Gaza.

Saraakiisha caafimaadka Falastiin ayaa sheegay in madaafiicda cirka ee lagu garaacay iskuulka Al Nuseyrat ay sidoo kale ku dhaawacmeen in ka badan 50 ruux oo Falastiiniyiin ah. Isra’il ayaa weerarka ku sheegtay mid ay ku bartilmaameedsatay malleeshiyaadka.

Milatariga Isra’il waxay sheegeen in ay taxaddir dheeraad ah muujiyeen ka hor inta aysan weerarka fulinin, si bay yiraahdeen ay u yareeyaan khasaaraha rayidka, isla markaana u duqeeyaan malleeshiyo ay ku sheegeen in ay aaggaasi kasoo weerareyeen. Hase yeeshee Xamaas ayaa beenisay in dagaalyahannadeedu aysan halkaasi joogin.

Waaxda caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in 24-ki saac ee lasoo dhaafay ay ciidamada Isra’il duqeyn ku dileen ugu yaraan 29 qof oo Falastiiniyiin ah, halka ay dhaawaceen in ka badan 100 qof.

Dagaalka sagaalka bil socda ee Gaza, ayaa la xaqiijiyay in tirada dadka ay Isra’il dishay ay gaareen in ka badan 38,000 oo ruux oo u badan dumar iyo carruur.

Muqdisho 7da Luulyo  2024Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale si adag uga hadlay xiisadda Soomaaliya kala dhaxeysa dowladda Itoobiya, wuxuuna bidhaamiyey heerka uu gaarsiisan yahay damaca ku jira Itoobiya.

Ugu horeyn madaxweynaha oo ka hor-hadlayey labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xukuumadiisa oo cuskaneysa qaraarkii baarlamaanka JFS  ay fagaare kasta oo caalami ah geysay damaca waalan ee Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya.

“Aniga, xukuumadda iyo cid kasta oo naga mid ah waxay gole kasta iyo goob kasta u tagtay sidii aan u muuji laheyn qadiyadeena, dowladda Itoobiya ayadaa caalamka wareegeysa, iyadoo ka carareysa qaladkii ay gashay ee diblomaasoyadeed oo xad-gudub ku ah xeerarka caalamiga ah ee maanta dunida looga dhaqmo,” ayuu yiri Madaxweynaha JFS.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xariiqay in Itoobiya ay caalamka ku wareegeyso iyadoo aan wax xal ah ogoleyn, isagoo tusaale u soo qaatay wadahadlkii ugu dambeeyey ee fashilmay markii la isugu tegay Ankara.

“Toddobaadkii lasoo dhaafay Turkiga ay noogu yeeray inaan aqbalno gogol, ay Itoobiya codsatay, nasiib darro mowqifkii Itoobiya waxaba iskama bedelin, taasi waxay sababtay in gogosha mar kale dib loo dhigo, iyadoo aan la is horfariisan, gogoshaan Itoobiya ayaa codsatay in dib loo dhigo,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in Itoobiya ay sidaan oo kale ugu fashilantay gogol ay dhigtay Kenya, “Gogol bilow aheyd oo Nairobi ka furantay ayay Itoobiya dib u dhigtay, kadibna waa ku guul-dareysatay, “waxaan rajeynayaa tana in aysan lamid noqon gogoshii hore, oo aysan ka bixin balantii aan lasoo galnay walaalaheena Turkiga,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh ayaa mar kale ku celiyey in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed aysan wax colaad ama naceyb ah u qabin shacabka Itoobiyaanka ah, balse madaxda dalkaas ayuu ugu baaqayo inay u hoggaansamaan sharciga iyo deris wanaagga, “Shacabka Itoobiya waxaan u rajeynayaa in ilaahey ka saaro dhibaatooyinka heysta,” ayuu yiri.

Madaxweynaha Soomaaliya oo hortaagan baarlamaanka dalka ayaa si cad u sheegay in Itoobiya ay diiday inay ku dhaqanto sharciga, “Inta si derisnimo ah noogu timid wali nagalama hadlin arrimaha maanta taagan, hadana nasiib darro meel kasta ayey wareegayaan, iyagoo dhahaya Soomaaliya nala heshiisiiya,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Sheekh.

Muqdisho 7da Luulyo  2024 Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa soo xiray wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Ashraf Cali Nuur, kaas oo isticmaala baraha bulshada.

Booliska oo soo bandhigay ninkan ayaa ku eedeeyay anshax darro liddi ku ah dhaqanka iyo diinteenna Islaamka, waxaana boolisku sheegay in la horgeyn doono sharciga.

“Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa soo xiray eedeysane Ashraf Cali Nuur Sahal 24 jir kuna eedeysan Anshax-daro. Ciidanaka Boliiska Soomaaliyeed waxa ay u taaganyihiin fal-kasta oo wax u dhibaya dhaqankeena suuban iyo diinteena sharafta leh” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay taliska qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Xarigga wiilkan dhalinyarada ah oo caan ka ah baraha bulshada ayaa waxaa ka dhalatay falcelin xoogan, waxaana kamid ah dadka ka hadlay hooyadiis oo faah-faahisay wiilkeeda iyo wax uu qabto.

Hooyada oo wareysi bixisay ayaa sheegtay in wiilkeeda uu ka shaqeeyo goob ganacsi oo ay leedahay walaashiis, isla markaana aanu shaqo ku lahayd eedda culus ee loo soo jeeiyay.

“Wiilkaas waa Xaafidul Qur’aan oo 114 kor ka xifdiyay waana nin ahlu diin ah, wuxuu sidoo kale ka baxay Jaamacadda Soomaaliya oo waa aqoonyahan ma’ahan erayada iyo waxa xun-xunka ah ee wiilkeyga lagu eedeynaayo” ayay tiri hooyada dhashay Ashraf Cali Nuur.

Sidoo kale waxa ay dalab u diray dowladda “Waxaan dowladda ka codsanayaa inay ii soo dayso waa masaakiin hooyadiis anaa ah, bari ayuu ka yahay waxa lagu eedeynaayo”.

Dhinaca kale waxaa ariinta wiilkan oo 24 sano jir si aad ah looga hadal baraha bulshada, ayada oo si weyn loogu falanqeeyay xaaladda wiilkan iyo falka lagu soo eedeeyay.

Bashiir Salaad “Booliska Soomaaliya sheeg sheega dadka miyey wax ku fahmaan?. Cid walba oo bulshada qatar ku ah ka hor inta aysan bulshadu soo bandhigin ayaa laga rabaa Boolisku inay ka howl galaan ee maahan kii baraha bulshada la keenaba in ay dib ka raadiyaan”.

Ramlo Maxamed “Qofka haddii aadan caddeyn ku heynin sharafkiisa iyo cirdigiisa ha u gefina”.

Cabdikariin Xuseen “Dowlada shaqo aad u fiican bey heysaa waana ku bogaadinaa shaqada aadka u fiican ee bilooyinkii ugu dambeeyy ay ku dhiiratay”.

Xayaat Cabdulle ” War bal suga maxaa qaldan wiilka ha u gafina, ninka mustaqbalka ha uga ciyaarina ma faankiisa run uga dhigteen?”.

Isaaq Sheekh Aadan ayaa isuguna yiri  “Shaqo wacan baad haysaan, waana idinkaaga mahadcelinaynaa”.

lUUQ 7da Luulyo  2024 Wararka aynu ka heleyno degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka dib usii laba qarxay dagaal labadii maalmood lasoo dhaafay ka socday gudaha degmadaas, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed.

Dagaalka oo galay maalintiisii saddexaad ayaa haatan ka socda bartamaha magaalada oo ay isku hayaan labada dhinac, waxaana lasoo wariyay in xaaladdu ay faraha kasii baxeyso.

Ciidamada dowladda ee ku sugan aaggaas ayaa lasoo wariyay in dagaalka ay ku biireen, taas oo waji cusub u yeeshay xiisadda ka taagan halkaasi.

Sidoo kale waxaa guul darreystay dadaallo nabadeed oo la doonayay in xabad joojin lagu kala dhex dhigo labada dhinac kuwaas oo ay wadeen maamulka iyo waxgaradka degaanka.

Labada dhinac ayaa isku weydaarsanayaa gudaha degmada hub culus, waxaa sidoo kale dagaalka barbar socda madaafiic lagu garaacayo aagga lagu dagaalamayo.

Khasaaraha dhimashada, dhaawac iyo burburka ka dhashay dagaalkan ayaa sii kordhiyay, ayada oo horay loogu gubay suuqii weynaa ee degmada Luuq.

Xaaladda ayaa weli ah mid cakiran, waxaana dhinacyada diriraya ay helayaan gurmadyo iyo ciidamo dheeraad ah, taas oo keentay in dagaalka uu kasii daro.

Si kastaba, wuxuu dagaalkan markii hore ka billowday laba askari oo murmay, ayada oo goobta lagu dilay mid kamid ah, waxaana dhacdadaas kasii horeysay xiisad ka dhalatay muran dhul ku yaalla halkaas oo ay isku haystaan beelaha ku dagaalamaya degmada Luuq.

WARARKA MAANTA 6da Luulyo  2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta  Maxuu yahay wadahadalada u dhexeeyey Dowladda Soomaaliya Iyo Ururka Argagixisada Shabaab?  Yaa noqonday Madaxweyne Iyo Raysal Wasaare aan awood u lahayn inay soo booqdaan #Hargaysa, #Garoowe Iyo meelo badan oo dalka kamid ah? Yaa noqday dalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka #soomaaliya? Maxuu Raysal Wasaare Mr. Abiy Axmed u rabaa inuu xoog iyo boob ku qabsado dhul baddeed #Soomaaliyeed? Yaase u fulinaaya oo waxan u fududeeyey? Yaase diidi kara inuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” diiday inuu sameeyo #Maqaamka #Muqdisho, Maxkammadda Dastuuriga ah Iyo guddiyadii madaxabannaanaa? Ha Wiqleyso! 

Muqdisho  6da Luulyo  2024 Dhacdo argagax leh ayaa laga soo warinaya degmada Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho, halkaasi oo nin uu tooreey ku dilay soddohdiis.

Ninkan ayaa sidoo kale dhaawacay xaaskiisa iyo gabadh la dhalatay oo dumaashidii ah iyo nin oday ah oo la sheegay inuu ku baxay dadka uu leynayo, si uu uga qabto ninkaan oo illaa hadda la xaqiijin inuu madax ka jiranaa iyo inkale.

Ninka dilka geystay oo ahaa aabaha reerka, ayaa waxaa uu muran soo kala dhex galay xubnaha kale ee uu dilka iyo dhaawaca u geystay ee qoyskiisa kamidka ah.

Ninkan ayaa waxaa hadda gacanta ku haya laamaha amniga, iyada oo haweenka uu dhaawacay xaaladooda lagu dabiibayo gudaha degmada, halka qaar kalena loo soo qaaday magaalada Muqdisho.

Taliyaha ururka 1-aad ee Daraawiishta Koonfur Galbeed Xaashi Maxamuud Bulaale oo hoggaaminayay ciidankii ku baxay falkaan ayaa waxaa uu sheegay inay gacanta ku hayaan ninka dhibta geystay.

“Qof noocaas ah oo dhacdadaas sameeyay waa caafimaad qabay ani ahaantay isma lihi laakiin hadda waxaa ku socota baaris,” ayuu yiri Taliyaha oo la hadlay Shabelle Tv.

Waxa uu intaas kusii daray “Gargaar caafimaad ayaa loo fidiyay dhaawaca, inta badana Xamar ayaa loo soo qaaday.”

Taliyaha ayaa falkaan ku tilmaamay dhacdo ugub ah, “Waxaan isleeyahay xaaladan waa xaalad caafimaad darro ku imaan karta,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay isaggoo ka argagaxay baaxada dhibta uu geystay ninkaan.

Dhacdooyinka argagax leh ayaa kusoo badanaya gudaha dalka, iyada oo bil ka hor Shabeellaha Hoose uu wiil dhalinyar ah ku dilay aabihii, halka uu sidoo kale dhaawacay hooyadii iyo walaashiis, si dhab ahna looma oga illaa hadda waxyaabaha keenaya falalkan noocan ah ee kusii kordhaya gudaha bulshada Soomaaliyeed.

Jubbaland 6da Luulyo  2024  Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa shaaciyay in kalfdhiyada soo socda ee baarlamaanka lagu dhameystiri doono arrimaha dastuurka, xilli ay xiisad xooggan ka dhalatey qodobaddii uu horey u meel-mariyay baarlamaanka.

Aadan Madoobe oo ka gaabsaday inuu shaaciyay qodobadda sida gaarka ah loo horgeynayo baarlamaanka ayaa waxa uu sheegay inay yihiin kuwa muhiim ah oo qeyb ka ah dhameystirka dastuurka.

“Mudaneyaasha waxay xilliyada soo socda ka doodi doonaan hindise sharciyeedyo wax ku ool ah oo gaaraya illaa 14,” ayuu yiri Guddoomiye Aadan Madoobe oo ka qeyb-galay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kal-fadhiyadii hore lagu ansixiyay shuruuc badan oo ay kamid ahaayeen la-dagaalanka argagixisada, kuwo khuseeyay arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo kuwo kale.

Guddoomiyaha ayaa uu ugu dambeyntiina wuxuu faray shacabka Soomaaliyeed inay u midoobaan cadowgooda, islamarkaana ay gacan wax ku ool ah ka geystaan horumarka dalka.

Sida ay horey u baahisay Caasimada Online, furitaanka kal-fadhiga 5-aad ee baarlamaanka ayaa waxa qorshuhu yahay inuu meel-mariyo sharciyo dhowr ah oo kamid yahay kan doorashooyinka, guddiga doorashooyinka iyo xeerka lagu dhisayo iyo weliba sharciga axsaabta.

Madaxtooyadda oo gacan ka helaysa guddoonka baarlamaanka ayaa qorsheynaysa in sharciyadan ay marsato baarlamaanka marka la furo kal-fadhiga 5-aad, xilli ay xildhibaannada qaar muujinayaan saluug iyo balamihii hore loo fulin.

Villa Somalia ayaa horey u marsatay baarlamaanka afartii cutub ee dastuurka ee mucaaradka ka qeyliyay iyo heshiiskii Turkiga ee illaa hadda baarlamaanka aqoonin wax ku qoran, kuwaasi oo dhamaantood ku gacan isiyay guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Si kastaba, arrimahan ayaa uga sii dari doona xiisadda dastuurka ee u dhaxeysa madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubnaha mucaaradka oo qeyb ka yihiin madaxweynayaashii hore ee dalka, kuwaasi oo meel adag qorshaha wax ka beddelka dastuurka ee gadaal ka riixeyso Villada.

Muqdisho  6da Luulyo  2024 Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tababar usoo xiray saraakiil iyo saraakiil xigeenno cusub oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Saraakiishan ayaa muddo saddex sanno ah lagu diyaarinayey dugsiga tababarka ciidamada ee TurkSom ee magaalada Muqdisho.

Saraakiisha iyo xiggeenada maanta loo soo xiray tababar ayaa ku soo biiray hoggaanka ciidanka dalka, iyada oo shahaadooyin iyo abbaal-marrinno kale guddoonsiiyay madaxweynuhu. Saraakiishan ayaa noqonaya dufcaddii 6-aad ee muddo sanado ah qaata tababar aqoon kororsi ah.

Madaxweynaha oo saraakiisha kala hadlay xaaladda dalka ee lagu jiro iyo howlaha muhiimka ah ee sugaya, isaggoo ku adkeeyay in ay si daacadnimo ah oo ay ku dheehan tahay Soomaalinimo u gutaan waajibaadka culus ee horyaalla.

“Qofku haddiyadda uu bixiyo waxaa ugu qaalisan naftiisa waxaadna dalkiina iyo dadkiina u hurteen noloshiina, sidaa daraadeed ogaada cadow aad u caqli liita ayaan dagaal kula jirnaa,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay saraakiisha tababarka dhameystay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale wuxuu u mahad-celiyay dowladda Turkiga iyo madaxweynahooda, isaggoo ku ammaanay in ay gacan weyn ka geysteen yagleelidda dhismaha dowlad Soomaaliyeed.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee maanta qallin-jabiyay ayaa isugu jira kuwo ka yimid ciidanka badda, dhulka iyo cirka.

Somaliland 6da Luulyo  2024 Somaliland oo ka hadashay wada-hadallada maalmihii lasoo dhaafay Ankara ku dhex-maray Soomaaliya iyo Itoobiya ee natiijo la’aanta kusoo idlaaday ayaa sheegay in wadadaas aan wax looga qaban karin xaaladda taagan.

Wakiilka Somaliland ee Kenya Maxamed Barwaani ayaa sheegay in Itoobiya aysan aheyn cidda wax bixisay ee ay tahay Somaliland, sidaas darteedna lagama maarman tahay in lala hadlo Somaliland haddii walaac laga qabo heshiiska badda.

“Waxaanu u aragnaa in xalka meel aanu ku jirin laga dayayo, hadii xalka meel aanu ku jirin laga dayana waligeed lama gaarayo,” ayuu yiri Barwaani oo la hadlay idaacadda BBC.

Waxa uu intaas kusii daray “Somaliland iyada ayaa Itoobiya heshiis la gashay, iyada ayaa degan oo maamusha badda cas iyo gacanka. Marka inta Soomaaliya ay Itoobiya la hadlayso waa in ay Somaliland la hadasha, waayo anaga ayaa heshiiska galnay.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay heshiis ka gaari karin ama wax is-fahan ah arrimaha gacanka cadmeed iyo badda Cas, oo uu ku dooday inay si toos ah u maamusho Somaliland, una madax-banaan tahay, wallow uu taasi caalamka u aqoonsaneyn.

Barwaani oo wax laga weydiiyay heshiiskii Soomaaliya iyo Jabuuti ku dhex-maray daba-yaaqadda sanadkii hore ayaa eedda dusha ka saaray dowladda dhexe, oo uu sheegay inay ka been abuuratay heshiiskaasi, ayna sheegtay in midnimo lagu heshiiyay, sida uu hadalka u dhigay.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa meel adag iska taagay qadiyadda madax-banaanida dalka, iyada oo diiday in dabac ka muujiso go’aankeeddii ahaa in marka hore ay Itoobiya ka laabato is-afgaradka Somaliland, taasi oo weli xukuumadda Abiy ay ka meer-maareyso.

Muqdisho  6da Luulyo  2024 Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dabaal-degii 1-da Luulyo kusoo bandhigtay hubkii ugu cuslaa oo ay qeyb ka yihiin gadiid gaashaman, taasi oo lagu muujinayay isbeddelka awoodeeda ee ciidanka Soomaaliya.

Ciidamada ayaa maalintaas sameeyay bandhig cajiib ah oo lagu muujinayo qiimaha maalinta xoriyadda dalka, kaasi oo lagu soo bandhigay gaadiidka dagaalka iyo ciidamo aad u diyaarsan oo dhuulatus sameynaya.

Gaadiidka gaashaman iyo hubka maalintaas lagu soo bandhigay dabaal-degga ayaa waxaa inta badan dowladda Soomaaliya ku taageeray dalka Turkiga oo kasoo dejiyay magaalada Muqdisho, sida uu maanta shaaciyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha oo maanta ka qeyb-galay munaasabadda xiritaanka qalin-jabinta dufcadda 6-aad ee leyliga saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu tababaray dugsiga Turksom, ayaa dowladda Turkiga ku ammaanay kaalmada ay siiso dalkeenna.

Waxa uu sheegay in Turkiga uusan dano gaar ah ka laheyn kaalmada ballaaran ee uu la garab joogo dowladda Soomaaliya, ayna mar uun u abaal-gudi doonto Soomaalida.

“Waxay nagu garab istaageen qalab oo furimaha la joogno oo maalin dhaweydna soo bandhigeynay, sidoo kale Turkiga wuxuu nagu garab istaagay goobta dagaalka. Waa walaalo naga mudan mahad-celin, oo sharaf iyo karaamo u hayno. Maalin maalmaha kamid ah Ilaahay idinkii umadda Soomaaliyeed waa u abaal-gudi doonta dalka Turkiga,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa xusay in dalalka qaar ee kaalmeeya dalkeenna ay ka leeyihiin dano gaar ah, halka uu middaasi ka duway Turkiga oo uu ku tilmaamay “walaalka dhabta ah ee Soomaaliya leedahay”.

“Kaalmo badan xargo badan ayaa gadaal uga xiran oo mar walba dhinac loo jiidayo, laakiin midda Turkiga sharaf iyo karaamo ayaa la jirta. Xargo gaar ah iyo dano gaar ah oo diblomaasiyadeenna iyo dowladnimadeenna lagu kala dhantaalayo ama lagu hagayo kuma jirto,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Iran 6da Luulyo  2024 Mascuud Bezeshkiyaan oo ah qunyar-socod ah aanan magac weyn ku laheyn siyaasadda Iran, ayaa ku guuleystay doorashadi ku celiska aheyd ee Jimcihi shalay ka dhacday dalka Iran.

Wasaaradda arrimaha gudaha Iran ayaa aroornimadi hore ee Sabtidi saakay shaacisay, in Pezeshkian doorashada kaga guuleystay Saciid Jalili oo ah murashax taageero buuxda ka heystay hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran.

Madaxweynaha la doortay ayaa helay codad dhan 16.3 milyan, halka Jalili uu keenay 13.5 milyan oo cod. Wasaaradda gudaha Iran waxay sheegtay, in guud ahaan ay codadkooda dhiibteen ilaa 30 milyan oo ruux.

Pezeshkian oo ballan qaaday inuu Iran u furi doono dunida inteeda kale isla markaana gaarsiin doono shacabka xorriyadda ay in badan ku taamayeen, ayaa ah dhaqtar 69 jir ah oo ku taqasusay qalliinka wadnaha.

Wuxuu sidoo kale horay u ballan qaaday inuu horumarin doono siyaasad dibadeed oo dhab ah, si uu u yareeyo xiisadaha wada-xaajoodyada hadda hakadka ku jira ee quwadaha waaweyn ee khuseeya soo nooleynta heshiiskii nukliyeerka ee 2015.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay taageerayaasha Pezeshkian oo waddooyinka ku qoob-ciyaaraha halka qaarkoodna ay yeerinayeen hoonka baabuurta dhowr magaalo oo waddanka ka tirsan.

Magaalada uu kasoo jeedo ee Urmia ee dhacda waqooyigalbeed ee Iran, dadweynaha ayaa qeybinayay macmacaan si ay u muujiyaan farxadda doorasho u muuqato inuu ku guuleystay wiilka degmadooda.

Doorashadan ayaa aheyd mid waqtigeeda laga soo hormariyay, kaddib marki uu shil helikobtar ku geeriyooday madaxweynihi hore ee Iran Ibrahim Ra’iisi.

Muqdisho  6da Luulyo  2024Maanta oo Sabti ahi waxaa xarunta golaha shacabka ee Villa Hargeysa ka furmaya kalfadhigga 5-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furaya kalfadhigga, isagoo ka jeedi doona khudbad la wada sugayo.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in kulanka maanta uu ka jeediyo khudbad xasaasi ah, wuxuu mar kale si adag uga hadli doonaa damaca Itoobiya uga jira badda Soomaaliya iyo arrimo kale oo masiiri ah, sida dastuurka.

Maalmaha soo socda waxaa dib u bilaabaneysa doodii dastuurka, baarlamaanka Soomaaliya ayaa qorsheynaya inay meel mariyaan cutubyo hor leh, ilaa 5 cutub ayaa hadda diyaarsan, kuwaas oo golaha la marsii doono maalmaha soo socda, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa shaaciyay in kalfdhiyada soo socda ee baarlamaanka lagu dhameystiri doono arrimaha dastuurka, xilli ay xiisad xooggan ka dhalatey 4-tii cutub ee baarlamaanku horey u meel-mariyay.

Aadan Madoobe oo ka gaabsaday inuu shaaciyo qodobadda sida gaarka ah loo horgeynayo baarlamaanka ayaa waxa uu sheegay inay yihiin kuwo muhiim ah oo qeyb ka ah dhameystirka dastuurka.

“Mudaneyaasha waxay xilliyada soo socda ka doodi doonaan hindise sharciyeedyo wax ku ool ah oo gaaraya illaa 14,” ayuu yiri Guddoomiye Aadan Madoobe oo ka qeyb-galay wareysi siiyey Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kal-fadhiyadii hore lagu ansixiyay shuruuc badan oo ay kamid ahaayeen la-dagaalanka argagixisada, kuwo khuseeyay arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo kuwo kale.

Guddoomiyaha ayaa uu ugu dambeyntiina wuxuu faray shacabka Soomaaliyeed inay u midoobaan cadowgooda, isla markaana ay gacan wax ku ool ah ka geystaan horumarka dalka.

Muqdisho  6da Luulyo  2024  Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in haatan dagaal beeleed uu kasoo cusboonaaday gudaha degmada Luuq ee gobolkaasi, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo mid hantiyeed.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa Jimcihii shalay ka qarxay bartamaha magaalada, waxaana illaa iyo hadda dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa gudaha magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka bilowday laba askari oo kamid ahaa ciidamada deegaanka kuwaas oo murmay, ayada oo goobta lagu dilay mid kamid ah, sida ay sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Ugaas Cabdirashiid Ugaas Bilow Ugaas Xandulle oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee deegaanka ayaa VOA uga warramay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in dagaalka lagu dikay ugu yaraan 5 qof oo mid ay tahay haweeney, sidoo kale la dhaawacay 3 kale.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in la gubay suuqii weynaa ee degmada iyo kaam barakac oo ku yaalla halkaasi, kadib markii ay faraha ka baxday xaaladda guud.

“Waxaa dhacday marka in la gub ay meel kaam ah oo dad barakacayaal ah ay dagan yihiin adigu dhimashadu waa illaa 5 qof iyo saddex dhaawac ah ayaa la sheegayaa waxaa kale oo la gubay bacadlihii waynaa ee magaalada” ayuu yiri Ugaas Cabdirashiid Ugaas Bilow.

Dhinaca kale waxa uu tilmaamay in dagaalkan kahor Luuq ay ka taagnayd xiisad ka dhalatay muran ka dhashay dhul ku yaalla degmadaas oo ay isku qabsadee 3 beelood.

“Maalmahan dhul baa la’isku haystay magaalada dhexdeeda oo beel baa lahayd anagaa lahayn, laba beel oo kalena waxa dheheen waxbaa ka leenahay” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyn Ugaas Cabdirashiid Ugaas Bilow ayaa baaq nabadeed u diray dhinacyada isku haya degmada Luuq, wuxuuna ugu baaqay inay dagaalka joojiyaan, ayna wada-hadlaan.

Annaga haddii aan nahay odayaasha waxaan ku baaqeynaa in la joojiyo dagaalka iyo dhibaatada kasoo korortay degmada Luuq” ayuu mar kale yiri Ugaas Cabdirashiid.

Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana is horfadhiya maleeshiyaadka ku dagaalamay halkasi, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka iyo kan Jubbaland.

WARARKA MAANTA 5ta Luulyo  2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta  Maxuu Raysal Wasaare Mr. Abiy Axmed u rabaa inuu xoog iyo boob ku qabsado dhul baddeed #Soomaaliyeed? Yaase u fulinaaya oo waxan u fududeeyey? Yaase diidi kara inuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” diiday inuu sameeyo #Maqaamka #Muqdisho, Maxkammadda Dastuuriga ah Iyo guddiyadii madaxabannaanaa? Yaa noqonday Madaxweyne Iyo Raysal Wasaare aan awood u lahayn inay soo booqdaan #Hargaysa, #Garoowe Iyo meelo badan oo dalka kamid ah? Yaa noqday dalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka? Maxuu yahay wadahadalada u dhexeeyey Dowladda Soomaaliya Iyo Ururka Argagixisada Shabaab?    

 Ha Wiqleyso! 

Muqdisho iyo qAAHIRA 5ta Luulyo  2024 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka Taleefanka ay ku wada xiriireen dhiggiisa dalka Masar Cabdulfataax Al-siisi ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka.

Sidoo kale labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay danaha ay wadijrka u wadaagaan Soomaaliya iyo Masar.

Labada Madaxweyne ayaa wada-hadalkooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee labada shacab ee walaalaha ah.

Xasan Sheekh iyo Cabdulfataax Al-siisi wadahadalkooda ku muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu wajahayo caqabadaha amniga iyo xasilloonida gobolka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Cabdulfataax Al-siisi ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweynaha, shacabka iyo dowladda Soomaaliya munaasabadda 1-da Luulyo ee Maalinta Qarannimada Soomaaliya.

Madaxweyne Cabdulfataax Al-siisi ayaa u rajeeyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed horumar iyo amni.

Masar iyo Soomaaliya ayaa ah saaxiib dhow, waxayna labada dowladood ka mideysan yihiin dagaalka Itoobiya, mar kastana madaxweynayaasha labada dal waxay ka wadahadlaan sidii ay u samey lahaayeen iskaashi ka dhan ah Itoobiya.

Wadahadalka Madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Masar ayaa ku soo aadaya xili maanta Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ka hadlay xiisada kala dhaceysa Soomaaliya, isagoo Soomaaliya ka dalbaday inay wadahadal ogolaadaan, isla markaana ay qudaartooda uga bedeshaan badda.

xARFO 5ta Luulyo  2024 Gabadh yar oo da’deeda lagu sheegay sagaal sano jir in ay ahayd isla markaana la la’aa nolol iyo geeri muddo bil ka badan ayaa meydkeeda laga helay meel miyi ah oo u dhow degmada Xarfo ee gobolka Mudug.

Gabadha oo ehelkeedu sheegeen in ay habowday ayaa muddo laga baadi goobayay dhulka howdka ah, iyado raadinteedana ay ka qayb qaateen boqollaal dad iyo gaadiid ah oo isugu jira ehelo iyo laamaha ammaanka ee deegaanka.

Gabadha yar oo lagu magacaabayay Nasro Cabdillaahi Aadan ayaa xilliga ay habaabeysay sidatay jeeg ay caano ku jiran oo loogu dhiibay guri ehelada ah oo aan aqalka ay joogtay ka fogeyn balse ay hareer martay.

Ugu dambeyn waxaa soo helay ama arkay nin geel- baadigoobayay kaas oo ugu dambeyn dhawaaqa geerida ee Nasra soo gaarsiiyay ehelada iyo maamulka deegaanka.

Dadkii halkaa tagay waxaa ka mid ahaa Xasan Maxamed Cilmi (Dhiidhaco) oo ah taliyaha saldhiga Xarfo ee Puntland waxaana uu markii horeba kamid ah dadkii raadinayay Nasra muddada ay maqneyd isaga oo BBC-da uga warramay wixii ay soo arkeen.

“Hawdka lagasoo helay meydka gabadha waa meeshii ugu dambeysay raadkeeda, anaguna waan ka raadinnay ilaa shan boqol oo qof wey galeen hawdkaas balse cid Meesha ay taallay weli tiri waan maray ma jirin, agagaarradeeda oo dhan waalla maray oo laga raadiyay oo ugu dambeyn geel-jirahan ayaa soo arkay”, ayuu yiri taliye Dhiidhaco.

Taliyuhu waxa uu sheegay in uu kusoo war geliyay laamaha ammaanka iyo ehelada intii uu yaqaannay maadaama ninku uu ahaa qof deggeen deegaanka isla markaana ogaa gabadha maqan ee la baadi goobayay.

“Meesha waxa aan ugu tagnay meydkii gabadha oo kala daatay iyada oo qalfoof noqotay waxa ay Meesha taallay in kabadan bil, waxa saarnaa dharkeediiwaxa saarnaa dharkeedii waxaana ag yaallay jeeggii caanaha ee ay la habowday”, ayuu sii raaciyay Xasan Maxamed Cilmi (Dhiidhaco) taliyaha saldhiga Xarfo ee Puntland.

Waxa uu tilmaamay in meeshu ay tahay hawd ciriiri ah isla markaana ay gawaarida dhigteen meel ka yara durugsan halka uu yaallay meydka Nasra Cabdillaahi oo ay gudaha hawdka ku lugeeyeen taas oo ay adkeyd in si caadi ah loogu dhex socdo.

Aabbaha dhalay Nasra oo BBC-da la hadlay ayaa laftiisu sheegay in baadi goobka gabadhu uu in muddo ah socday balse ugu dambeyn ay heleen warka ah in lasoo arkay meydkii gabadhiisa.

Waxa uu sidoo kale faah-faahin ka bixiyay sababta keentay geerida gabadha iyo haddii ay jiraan baaritaanno arrinkaa ku saabsan oo la smaeeyay.

“Gabadha yar waxa ay ku nooleyd meel miyi ah, kadib markii caanaha loogu dhiibtay guri kale oo eheladu ay deggenyihiin ayey habowday oo hareer martay gurigii uma maleyneyno in ay jirto sabab kale laakiin kaliya waxa ay u dhimatay harraad iyo gaajo”, ayuu yiri aabbe Cabdillaahi Aadan.

“Laamaha ammaanku waxa ay sameeyeen baaritaanno marka lagu daro wixii lasoo arkay iyo halka uu ku dambeeyay raadka gabadha ma jirto sabab kale oo inoo muuqata”, ayuu sii raaciyay.

Sidoo kale waalidka Nasra waxa ay sheegeen in aysan jirin wax xanuun ah ama mid jireed ama mid dhimirka ahba oo ay ku ogaayeen in aysan jirin isla markaana ay caafimaad qabtay.

Dhinaca kale Xasan Maxamed Cilmi (Dhiidhaco) taliyaha saldhiga Xarfo ee Puntland waxa laftiisu sharraxay baaritaannada ay ku sameeyeen il aiyo haatan geerida Nasra Cabdillahi Aadan oo sagaal jir ahayd.

“Gabadhu waxa ay ahayd ilmo habaabay wadankuna hadda dhibaato amni kuma ogin, laakiin Meesha ay ku habowday ayaa ahayd hawd ciriiri ah oo aysan sahlaneyn in si fudud looga helo, Bacaadweyn Burtinle Galkacyo iyo meelo badan ayaa lagasoo gurmaday oo lawada raadiyay laakiin waxaa qorneyd in hadda lahelo”, ayuu yiri Taliye Dhiidhaco.

Nasra sida uu sheegay aabbihii dhalay waxa ay ahayd gabadh yar oo ku dhalatay kuna kortay miyiga isla markaana aan helin waxbarasho iyo fursadaha kale ee nolosha magaalada walow ay da’deedu aad u yareyd.

Isha: BBC

Ethiopia 5ta Luulyo  2024 Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa markale ku celiyay muhiimada ay Itoobiyaanka u leedahay helitaanka bad, isaggoo xusay in xitaa Soomaaliya ay badda kaga beddelan karto wax soo saarkooda khudaarta.

Abiy ayaa si cad u sheegay in is-afgaradka Somaliland uusan aheyn xad-gudub ka dhan ah midnimada, wuxuuna sheegay in dalkiisa uu ixtiraamayo madax-banaanida Soomaaliya.

“Waxaad imaan kartaan Addis Ababa, diyaar ayaa u nahay in aan idinla hadalno, mana rabno in Soomaaliya burburto ama kala qeybsanto,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Itoobiya diyaar u tahay wax isdhaafsi, ayna ogoshahay in wax soo saarkeeda gudaha ay ku dhaafsato marin baddeedka ay rabto, si buu yiri kor loogu qaado wada noolaanshaha.

“Baahida ay Itoobiya qabto waa adeeg baddeed, taasina waxaan u mareynaa waddo nabad-galyo iyo wada-hadal. Soomaaliya iyo dalalka deriska waxay leeyihiin adege baddeed laakiin sida Itoobiya wax ma u beeran karaan, anagu waxaan nahay dhul caro-san iyo biyo badan leh,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Haddii Khudaarta noogu beddelaan biyaha badda waxba kuma jabna waa arrin ganacsi, waa mid faa’iido u ah guud ahaan gobolka iyo mustaqbalka caruurteenna. Haddii naloo diido tabashadayada in la dhageysto waxay noqon doonta mid xilligeeda sugto.”Sidoo kale waxa uu ku dooday in Itoobiyaanka ay ka shaqeynayaan nabadeynta Soomaaliya, oo aysan ku howlaneyn taas bedelkeed, “Itoobiya ma rabto kala tega Soomaaliya; uma hurteen caruurteedii hadday taas rabto.”

Ugu dambeyntiina wuxuu ku taliyay “in qarashka dowladda Soomaaliya uga baxaya safarka dibadda uu ku wanaagsan yahay dhismaha iskuul ku fadhiya 1KM oo Muqdisho laga dhiso oo ay ka faa’iideystaan shacabka.”

WARARKA MAANTA 3da Luulyo  2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta  Yaa 4 kun oo gabdhood ka iibsaday Carab  Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” Yaa diiday in la sameeyo Maxkammadda Dastuuriga  Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” Yaa diiday in la dhiso #Maqaamka  Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” Yaa amray in qabriyada la faago  Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” Yaa soo adeegsaday dad been badan oo culimo sheeganaya  Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Maxuu Xafiiska Hanti-dhowr u fashilay 21 milyan oo la xaday adaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”?    

 Ha Wiqleyso! 

Yemen 3da Luulyo 2024 Weerarada kooxaha Xuutiyiinta ee Iran ay taageerto ka geysanayaan badda cas ayaa fursad u noqotay kooxaha burcad badeeda Soomaalida, iyadoo burcad badeedda tiro ahaan iyo awood ahaanba ay sii kordhayaan, sida uu sheegay taliyaha howlgalka ciidamada badda ee Midowga Yurub. Xuutiyiinta Yemen ayaa sanadkii hore bilaabay inay weeraraan maraakiibta ku sugan badda cas si ay ugu cadaadiyaan Israel iyo xulafadeeda inay joojiyaan dagaalka marinka Qaza.

Vice Admiral Ignacio Villanueva, taliyaha hawlgalka Midowga Yurub ee u xilsaaran xakamaynta budhcad-badeedda, ayaa sheegay, burcad badeeddu in ay ka xooggan yihiin sidii horey loogu aqoon jiray.

Villanueva waxa uu sheegay in weerarrada burcad badeedda ay fulinayaan kooxo si fiican u hubaysan, u  abaabulan oo tiro ahaan ka badan sidii hore.

“Waxaan la kulannaa 25 ama 30 burcadbadeed ah oo isku weerar ah,” ayuu yiri Villanueva. “Burcad badeeddu waxay si fiican u adeegsanayaan telefoonada dayax-gacmeedka iyo hubka culus,” ayuu yiri Ignacio.

Bishii la soo dhaafay, falaagada Xuutiyiinta ayaa qaaday tiradii ugu badneyd ee weerarrada lagu qaado maraakiibta ganacsiga, iyadoo lala beegsaday 16 markab, sida lagu sheegay xogta ay daabaceen ciidamada badda ee ka howlgala gobolka.

Muqdisho 3da Luulyo 2024 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan furimaha dagaalka ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa soo diray farrin uu ciwaankeedu yahay “SOOMAALIYA WAA AY KA GUULEYSANEYSAA CADOWGA KHAWAARIJTA AH ALLE IDAMKII.”

Madaxweynaha oo shalay iyo maanta ku sugnaa deegaanka Wargaadhi ayaa u kuur-galay xaaladda Ciidamada Qalabka Sida iyo furimaha dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa deegaanka Wargaadhi ee Shabeelaha Dhexe kulamo kula qaatay odeyaasha dhaqanka, saraakiisha ciidamada iyo hormuudka bulshada deegaanka.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay Odeyaasha Wargaadhi, doorkooda ku aaddan xoreynta deegaannada ay gobolka kaga harsan yihiin Al-Shabaab.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa dadka reer Wargaadhi uga warbixiyey sida ay dowladdu u diyaarisay qalabka, gaadiidka, xarummaha ciidan iyo hubkii lagu dhammeystiri lahaa xoreynta dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kormeeray Saldhigga Milatari ee laga hirgeliyey deegaanka Wargaadhi, kaas oo aad u weyn una fududeynaya Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed baahiyaha farsamo ee muhiimka u ah jiidda hore ee dagaalka iyo dhammaystirka howlgalka dalka lagaga xoreynayo kooxaha argagixisada ah.

Xasan Sheekh ayaa mar kale Tuutaha u xirtay halganka xoreynta dalka, waxaa socda qorshe dib loogu abaabulayo dagaalka, waxaana dhowaan la qorsheeyey in dhowr jiho ay ciidamadu ka dhaqaaqaan, si loo gaaro goobaha ay Al-Shabaab kala dhuumaaleysanayaan gobollada dhexe ee dalka.

Madaxweynaha ayaa dhageystay baahiyaha ay qabaan ciidamada xoogga dalka ee u baxay baacsiga Khawaarijta, wuxuuna saraakiisha siiyey waajibaad dagaal, si dalka looga xoreeyo kooxaha argagixisada ah.

Maraykanka  3da Luulyo 2024  Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa wacad ku maray inuu baaqi ku sii ahaan doono tartanka doorashada madaxtinimada ee dalkan ka qabsoomi doonta shanta bisha Novmeber ee sannadkaan.

Biden ayaa hadalkaasi ka shanqariyay xilli uu gelinkii danbe ee Arbacadi shalay khadka telefoonka ku wacay kooxda hormuudka u ah ololihiisa doorashada.

Arrintan ayaa u muuqata mid uu madaxweyne Biden dib ugu xaqiijinayo Dimoqraadiyiinta Aqalka Koongareeska in uu diyaar u yahay dib u doorasho, maalmo yar kaddib marki ay qaar badan oo kamid ah taageerayaasha xisbigiisa ay wal-waleen bandhigiisii dood uu Khamiisti hore la galay madaxweynihi isaga ka horreeyay Donald Trump.

Laba xubin oo magacyadooda qariyay oo og wicitaanka uu Biden wacay shalay xubnaha ololoihiisa doorashada ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyay, in uu u sheegay in uusan ka tanazuleyn tartanka doorashada.

Email uu goor danbe oo shalay ah u diray taageerayaashiisa ayuu Biden sidoo kale ku yiri “Qofna ima riixayo, mana ihi qof baxayo. Tartanka waa kusii jiri doonaa ilaa dhamaadka.”

Madaweyne Biden wuxuu sidoo kale Arbacadii si toos ah iyo qaabka online-ka ahba ula kulmay ilaa 24 guddoomiye iyo duqa magaalada Washington, D.C. oo dhammaantood dimoqraadi ah, si uu ugu xaqiijiyo in ay ka go’antahay musharaxnimada xisbiga.

Saddex ka mid ah guddoomiyaasha oo warbaahinta la hadlay ayaa taageeray madaxweyne Biden. Hase yeeshee in badan oo kamid ah siyaasiyiinta xisbiga Dimoqraadiga ayaa saluugsan da’da madaxweynaha.

Muqdisho 3da Luulyo 2024 – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay safar dibadeed u baxaan, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Ra’iisul wasaaraha ayaa kusii jeeda magaalada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq, kadib casuumaad uu ka helay madaxda sare ee dalkaasi Carbeed.

Xamza waxaa socdaalkan ku wehlin doono xubno kamid ah golihiisa wasiirada iyo qaar kamid ah howlwadeennada xafiiskiisa, ayag oo wada-hadallo lasoo yeelan doono madaxda dowladda Ciraaq.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada-hadli doono arrimo ku aadan xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga Soomaaliya iyo Ciraaq.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in madaxda labada waddan ay si gaar ah wada-hadalladooda diiradda ugu saari doonaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada oo halis badan ku haya dalalka Ciraaq iyo Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay safaro ku bixinayay qaar kamid ah waddamada saaxibka la ah Soomaaliya, waxaana ugu dambeeyay booqashadii uu dhowaan ku tegay dalka dariska ah ee Kenya.

Waxaa sidoo kale oo uu ubaxay safaro kale oo dibadeed, isaga oo ka qayb-galayay shirar caalami ah oo uu ku metalay dowladda federaalka aha ee Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan diiradda saartay horumarinta xiriirka caalamiga ah iyo diblomaasiyadda, ayada oo door muuqda ku leh fagaareyaasha caalamka, si ay wax ula qaybsato dalalka lamid ah ee dhiggeeda.

Kenya 3da Luulyo 2024   Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal qaraar oo maanta ciidamada milatariga dowladda Kenya iyo maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ku dhex maray qaybo kamid ah gobolka Waqooyi Bari, gaar ahaan ismaamulka magaalada Wajeer ee dalkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay weerar dhabagal ah ku qaadeen kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya oo mararayay duleedka magaalada Wajeer, waxaana kadib xigay dagaal toos ah.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado badan, isla markaana uu jiro khasaare soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay.

Saraaakiil u hadashay dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen weerarka uga yimid Al-Shabaab, ayna khasaare gaarsiiyeen xubnaha Al-Shabaab.

Ugu yaraan illaa 4 xubnood ayaa kooxda Al-Shabaab looga dilay dagaalka, halka ciidamada Kenya dhankooda uu ka dhintay hal askari, mid kalena uu ku dhaawacmay, sida ay xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa nawaaxiga magaalada Gaarisa oo ah halka lagu dagaalamay.

Kenya oo ciidamo ay ka joogaan gudaha Soomaaliya ayaa weeraro kala kulanta kooxda Al-Shabaab oo badana beegsata deegaanada dhaca xadka labada waddan.

Muddooyinkii u dambeeyay weerarada Al-Shabaab ee Waqooyi Bari ayaa sii kordhayay, waxaana sidoo kale gobolka ciidamo badan oo milatari ah kusoo daabushay Kenya, si ay u xaqiijiyaan amniga guud ee waddankaasi.

WARARKA MAANTA 3da Luulyo  2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta  Maxuu kashifay Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa #Muqdisho Madaale Madaale oo sheegay in Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” ku amray in qabuuraha la faago oo dhulka la gado? Yaa kamid noqon raba dadka uu rabo in xilka uu ka qaado Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” weli u diidan yahay inuu sameeyo #Maqaamka #Muqdisho iyo Maxkamadda Dastuuriga ah? Maxuuse Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” u diiday inuu baaro dadkii dilay Marxuumad Ikraam Taxaiiil, xildhibaaan Aamino iyo dad farabadan? Maxuuse Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” xaasaskiisa ugu ogolaaday inay baad iyo boob ku sameeyaan hantida dadweynaha?  Ha Wiqleyso! 

Muqdisho 3da Luulyo 2024  Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa saluug ma muujiyey shaqada baarlamaanka federaalka oo xubin uu ka yahay, isagoo sheegay in hadda kadib uu ka fekerayo in uusan doonan kursi xildhibaan.

Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa sheegay in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya aysan ka shaqeyn masuuliyadda ay u qaadeen umadda Soomaaliyeed, isagoo si gaar ah u dhaliilay guddoonka.

Wuxuu sheegay in guddoonku uu afduubto golaha, halka xildhibaanadu ay xeeriyaan duruuftooda, sidoo kale xukuumadda ayuu ku eedeeyey inay ku takri faleyso awoodeeda. “Qaabka ay siyaasadu u sameysan tahay ayaaba naga qaldan, nidaamka baarlamaaniga ah ee dalkeena waxaa loogu tala galay in xildhibaanadu xisbiyo ka kala tirsan yihiin,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan.

Xildhibaanka ayaa sheegay nidaamka hadda lagu shaqeeyo ay dhibaato weyn ku qabaan, maadaama looga baahan yahay metelaad, xukuumaduna ay rabto in xildhibaanka ay dan ku heysato.

“Anigu waan ka fekerayaa in kurisi dambe oo xildhibaan aan raadiyo inta shaqada baarlamaanka ay sidaan tahay,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo wareysigaan siiyey BBC.

“Aniga Xildhibaan ayaan ahay, dadka aan metelo waa isku dhibanahay, sababtoo ah waxay rabaan inaan dowladda u soo baryo, qofkii shaqo raba, kii waxbarasho aadaya, kii caafimaad raba iyo wax kasta oo dowladda looga baahnaa, aniguna ma aqaan nidaamkaas,” ayuu yiri CC Shakuur.

Muqdisho 3da Luulyo 2024  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in aanay jirin wax muujinaya in Itoobiya ay dib uga laabanayso heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Somaliland la saxeexatay 

“Ma jiraan wax calaamado ah oo muujinaya in ay Itoobiya ka soo laabanayaan waddadaas,” ayuu yidhi madaxweynuhu.

Hadalkan ayuu madaxweynuhu sheegay kadib markii ay dalka Turkiga ay ku soo dhamaadeen wada hadal u dhaxeeyay dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya, kaas oo aan wax natiijo ah laga gaarin.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay in Itoobiya ay tahay midda Turkiga ka codsatay inay dhexdhexaadiyaan Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in ergada Itoobiya iyo Soomaaliya aysan wada hadal toos ah yeelan, balse Turkiga uu dhexdhexaad ka yahay.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa u ballansan inay wahadal labaad ku yeeshaan dalka Turkiga, kaasoo la rajeynayo inuu dhaco bisha September ee sanadkan.

Nairobi 3da Luulyo 2024 Bannaanbaxyo kale oo rabshado watay ayaa Talaadadi shalay ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya oo ay ku jirto magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

Booliska ayaa adeegsaday suntan dadka ka ilmeysisa isla markaana dacwado ku soo oogay dibadbaxayaal dhagxaan ku tuurayay bartamaha magaalada Nairobi, si ay isugu dayaan in ay xakameeyaan rabshadihi ugu ballaarnaa ee Kenya ka dhaca, tan iyo marki ugu yaraan tobnaan qof lagu dilay bannaanbaxyadi todobaadki hore.

Mudaaharaadyada dalka oo dhan ka dhacay ayaa muujiyay in madaxweyne William Ruto uu ku guul darreystay inuu qanciyo dhaqdhaqaaqa dhalinyarada ee bannaanbaxyada dhigaya, inkasta oo uu ka tanaasulay qorshayaashii canshuur kordhinta ee dhaliyay qalalaasaha todobaadkii hore.

Mudaaharaadyadii Talaadadii ayaa ku bilowday dareen xamaasad leh, balse waxa ay isku baddalay rabshado. Xooggooda ayaa ka dhacay tuulada ganacsiga ee bartamaha magaalada Nairobi. Ciidamo boolis ah oo xirnaa koofiyado isla markaana sitay budad alwaax ah iyo gaashaamo, ayaa ka hortahay dhallinyarada rabshadaha dhigayay.

Dukaammo ayaa la gubay, shaqaalaha gargaarka dag dagga ahna waxay ku mashquul sanaayeen daweynta dadka dhaawaca ah, halka boolisku ay xirayeen dadka waddooyinka joogay sida ay xaqiijiyeen goob-joogayaasha iyo saxafiyiinta.

Meelaha kale ee ay bannaanbaxyadu ka dhaceen ayaa waxaa ka mid aheyd magaalada labaad ee ugu weyn Kenya ee Mombasa. Dadka ayaa watay laamaha geedaha timirta isla makraana yeerinyay buun caag ah, iyaga oo ku qeylinayay “Ruto ha baxo!”

Talefishinka NTV ee Kenya ayaa sheegay in laba qof lagu toogtay Mombasa, waxay kaloo baahiyeen sawirrada baabuur gubaneysa.

Warbaahinta Kenya waxay sheegtay, in sidoo kale ay bannaanbaxyo ka dhaceen magaalooyinka Kisumu, Nakuru, Kajiado, Migori, Mlolongo iyo Rongo.

Madaxweyne Ruto, ayaa wajahaya qalalaase tii ugu darneyd ee soo wajahda xakunkiisa laba sano jirka ah. Dowladdiisa ayaa dhexda u gashay lacagaha deymaha lagu leeyahay iyo midda ay ka amaahanayaan IMF iyo shacabka oo si weyn uga cabanaya sara u kaca ku yimid maciishada.

Guddiga Qaran ee Xuquuqda Aadanaha ee Kenya (KNHCR) ayaa sheegay in 39 qof oo Kenyan ah lagu dilay dibadbaxyo iyo iska horimaadyo ay la galeen booliiska tan iyo 18-kii bishii June. Dadka intooda badan ayaa la toogtay xilli ay rabeen in ay xoog ku galaan xarunta baarlamaanka ee Nairobi.

Reueters.

Somaliland 3da Luulyo 2024 Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Axmed Kaahin oo xalay ka qayb-galay kulan ka dhacay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda kala dhexeysa Soomaaliya ee ka dhalatay heshiiska badda ee uu maamulkooda la galay Itoobiya, wuxuuna kashifay qorshe uu sheegay inay damacsan tahay dowladda Soomaaliya.

Ugu horreyntii wasiirka ayaa ka hadlay sababaha keenay diidmada dowladda federaalka ee ku aadan heshiiska badda, wuxuuna sheegay in Somaliland aysan u ogoleyn inay la macaamisho dariskeeda iyo waddamada kale ee caalamka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wasiirka oo garnaqsaday ayaa sheegay in horay Soomaaliya iyo Somaliland ay u galeen illaa 7 heshiis oo uu wax ka saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna su’aal la keenay waxa loogu diidayo inay heshiis la galaan Itoobiya ama dalal kale ee dariska ah.

“Soomaaliya 6 ama 7 heshiis ayaynu wada galnay Xasan Sheekh maanta madaxweynaha ah xilligii hore ee uu madaxweynaha ahaa Axmed Maxamed Siilaanyo oo madaxweyne ah labadooda ayaa wada saxiixay maxaa isbeddalay? waxaa isbeddalay heshiiska aynu wada galnay Itoobiya, iyagana 7 ayaynu wada galnay maxaa diidaayo marka inaan Itoobiya wada galno” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somaliland.

Maxamed Kaahin oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Soomaaliya qudheeda ay kireysato baddeeda iyo dekedaheeda, wuxuuna sheegay in horay ay heshiisyo u gashay, hadana ay damacsan tahay qorshe kale oo ku aadan inay ku wareejiso dekedaha Hobyo iyo Kismaayo.

“Kaliya Geeskan Afrika ee aynu ka midka nahay dowladaha inta IGAD la yiraahdo ilaa 8 bees baa ka kireysan oo la leeyahay, maxaa kan Somaliland gooni u calaamadeeyay?. Saddex bees baa dowladda Soomaaliya ayaa iminka yaalla Soomaaliya, hadda wuxuu leeyahay afar meelood baan anigu siinayaayee, kaas Somaliland yaanay qaadan” ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Wuxuu leeyahay Hobyo ayaan siinayaa, Kismaayo ayaan siinayaa, wuxuu leeyahay meel heblo ayaan siinayaa”.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay doonayaan in Somaliland ay u dhaqanto sida dowlad oo kale, isla markaana ay darisnimo iyo walaalnimo kula macaamisho Soomaaliya.

“Waxaan dooneynaa inaynu laba dowladood oo walaalo ah oo Soomaaliyeed oo xiriir wanaagsan leh oo kala ganacsada oo nabad-gelyada is weydaarsada inaynu wada noqono” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay wasiir Maxamed Kaahin Axmed.

WARARKA MAANTA 2da Luulyo  2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta  Meeqo sanno ayaan idiin sheegaynay inay Dowladda Madaxweyna Mudane Xassan Iyo Shabaab wadashaqaystaan? Maxuu yahay wadashaqaynta ka dhexeyso Dowladda #Damu-Jadiid Iyo Ururka Argagixisadda Al-Shabaab? Yaa diidi kara inay #sHABAAB Iyo Dowladda Madaxweyne Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” Yaa baasabooro dibolobaatik ah u sameeyey Shaab si ay shir uga qeyb-galaan? Yaa maal-gelinaaya wadahadalada Dowladda Soomaaliya Iyo Shabaab? Maxay ku dili jireen Ummadda Soomaaliyeed? Maxaad ka ogtahay fashilkana ku yimid dowladda #Soomaaliya?  Ha Wiqleyso! 

Muqdisho 2da Luulyo 2024 Wajigii koowaad ee wada hadalada Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa lagusoo gabagabeeyay magaalada Ankara ee dalka Turkiga, iyadoo aysan jirin qodobo heshiis looga gaaray khilaafka labada dal ee arrimaha badda. Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Taye Aske Selassie iyo dhiggiisa Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa isku afgartay in ay mar kale kulmaan magaalada Ankara, si ay u yeeshaan wajiga labaad ee wadahadallo dhexdhexaadin ah oo uu Turkiga garwadeen ka yahay.

Xogo laga helay shirka ayaa sheegaya, in Itoobiya ay diiday soo jeedinta Soomaaliya ee ah in Itoobiya ay joojiso heshiiska badda ee ay la gashay Somaliland.  “Wasiirradu waxay ku heshiiyeen inay ku kulmaan Ankara si ay u yeeshaan wareegga labaad ee wadahadalka 2-da Sebtembar 2024,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Hakan Fidan oo shir jaraa’id qabtay ka dib wareegii 1aad ee wada hadalada oo shalay ka dhacay Ankara.

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, ayaa lagu yiri “Wasiirada Soomaaliya iyo Itoobiya waxay ku celceliyeen sida ay uga go’an tahay in si nabad ah lagu dhammeeyo khilaafaadka, waxayna muujiyeen sida ay uga mahad celinayaan fududeynta Turkiga, iyo sidoo kale wax qabadkeeda wax ku oolka ah.”

Sidoo kale, waxay iftiimisay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay ku heshiiyeen in ay sii wadaan wada-hadallada socda, si loo xaqiijiyo xasilloonida gobolka.

Xiisadda labada dal ayaa ka bilaabatay markii Itoobiya ay Somaliland la saxeexatay January 1, 2024  heshiis is-afgarad ah kaas oo la og yahay in ay Itoobiya ka heli doonto dhul xeebeed 20 kiiloomitir ah, halka Itoobiya ay aqoonsi siinayso maamulka Somaliland.

Muqdisho 2da Luulyo 2024  Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo faahfaahin looga bixiyey waxahadalka la sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya uu u bilowday ayaa lagu sheegay in Dawladda Turkiga ay magaalada Ankara ku casuuntay wafuud kala matalaysa Soomaaliya iyo Ethiopia, si looga wadahadlo xiisadda taagan.

“Kulamada labada dhinac ma ahayn kuwa fool ka fool ah, maadaama ay Dawladda Soomaaliya meel adag ka taagantahay qadiyadda la xiriirta ilaalinta midnimada iyo madax-banaanida Qaranka, inkastoo gabagabadii shirka ay goobjoog ka wada ahaayeen labada wafdi warmurtiyeedka wadajir ah oo uu soo jeediyey dhexdhexaadiyaha wasiirka arrimaha dibedda dalka Turkiga,” ayaa lagu yiri qoraalka DF.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in kulankaan uu ahaa kii koowaad, isla markaana lasoo gabangabeeyey, waxaana lagu balamay wareeg labaad oo wadahadal ah labada September 2024, in kastoo aan la cadeyn sida uu u dhacayo wadahadalka dambe, maadaama kan la isku fahmi waayey.

“Wadahadalka ayaa si weyn loogu kala aragti duwanaa. Gaar ahaan Dawladda Soomaaliya oo mawqifkeedii hore ee ahaa in Dawladda Ethiopia ay ka noqoto MOU-gii sharci darrada ahaa ku adkaysatay iyo in aan wax gorgortan laga galeyn ilaalinta Madaxbanaanida dhuleed ee Dalkeenna oo u ah dawladda Soomaaliya lama taabtaan,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya ayaa si weyn ugu mahadcelisay Dawladda Turkiga oo sida qoraalkana lagu sheegay kaalin wanaagsan ka qaadatay xasiloonida Geeska Afrika – saaxiibka ugu weyn ee Turkigu Geeska Afrika ku leeyahay waxaa lagu tilmaamaa Soomaaliya.

Markii kulanka lagu kala tegay ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkey oo ay garbihiisa taagan yihiin wasiirrada dhiggiisa ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wasiir Hakan Fidan ayaa sheegay in kulamadu ay sii socon doonaan, dibna la isugu soo laaban doono labada bisha September ee sannadkan 2024.

Itoobiya ayaa cadaadis la kulmeysay tan iyo markii ay heshiiska la saxiixatay Somaliland, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa abuurtay xiisad diblumasiyadeed oo adag, taas oo Itoobiyaanka ku kallifay inay raadiyaan dowlado wadahadashiiya iyaga iyo Soomaaliya.

Muqdisho 2da Luulyo 2024 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa khudbad ka jeediyey munaasabad lagu soo gunaanaday dabaal-degyadii toddobaadka xoriyadda ayaa ka hadlay waxa ka jira wadahadaladii la sheegay in dowladda Soomaaliya ay la fureyso Khawaarijta Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in aysan jirin habayaraatee wax ay dowladdu kala hadli karto Al-Shabaab, isagoo hoosta ka xariiqay in uusan jirin xal aan aheyn in kooxdaasi ay hubka dhigto oo dowladda isku dhiibto.

“Maalmahaan waxaa baraha bulshada qabsatay dowladdu waxay wadahadal la fureysaa Al-Shabaab, waxaan idiin cadeynaa Shabaab iyo anaga wax naga dhaxeeya ma jiraan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Maxaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in kooxdaas aan la toosi karin, dowladuna aysan u baahneyn, “Hadii ay jiri lahaayeen waxyaabo aan dhihi karno sidaan ayaan rabnaa iyo waxaan ayaan idinka qaldan waa la hadli laheyn, waana hor fariisa laheyn,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa balanqaaday hadii Soomaali ay wadahadal la fureyso Al-Shabaab oo wax la isla ogyahay kala hadli doonto dowladdu.

“Hadii la helo wax aan isla qirno waan la hadleynaa, laakiin maanta wadahadalna ma jiro wax naga dhexeeyana ma jiraan weli,” ayuu hadalkiiUgu dambeyntii madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed ka codsaday in shakigaas ay ka baxaan, isagoo u cadeeyey in dowladdu aysan kaligeed qaada doonin go’aan hadii ay noqoto in wadahadal lala furo Khawaarijta.sa ku sii daray madaxweyne Xasan Sheekh.

Maraykanka 2da Luulyo 2024 Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa soo saartay xakun xasaanad ballaaran siinaya madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump, taasoo ka dhigan in dib u dhac uu ku imaan doono maxkamadeynta Trump ee kiiska rabshadihi ay qaar ka mid ah taageerayaashiisa ku weerareen xarunta Coongareeska horraanti sannadki 2021-ki.

Dacwadda la xiriirta in Trump uu isku dayay inuu dhinac kale u rido doorashadi looga guuleystay ee sannadki 2020-ki, ayaa tan iyo sannadki hore ka socotay maxkamad ku taalla magaaladan Washington D.C, waxana loo ballansanaa in la qaado ka hor doorashada 5-ta Novemebr.

Xakunka Maxkamadda Sare ayaa waxaa aqbalay 6 garsoore, halka ay saddex kasoo horjeesatay. Waxa uu laalayaa go’aankii maxkamadda hoose ee lagu diiday sheegashadii Trump ee aheyd inuu leeyahay xasaanad madaxweyne oo ka hor istaageysa in hey’adaha federaalka Mareykanka ay dacwad ku soo oogaan isaga.

yihiin Jamhuuri, halka saddex-da kale ay dimoqraaddi yihiin.

Maxkamadda Sare ayaa go’aamisay inaanan Trump loo maxkamadeyn karin ficillada uu ku dhaqaaqay inti uu heystay awoodda dastuuriga ah ee madaxtinimo, balse lagu soo oogi karo danbiyada gaarka u ah.

Go’aankaan taarikhiga ah ayaa ka dhigan guul weyn oo siyaasadeed oo u soo hoyatay madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump.

Qoraal uu soo dhigay barta X ee horay loo dhihi jiray Twitter, ayuu Trump ku muujiyay dabaal-daggiisa go’aankan, isaga oo yiri “GUUL WEYN”.

Madaxeyne Joe Biden oo arrintan war kasoo saaray ayaa go’aanka maxkamadda sare ee Mareykanka ku tilmaamay mid tusaale khatar ah u jideynaya xakunnada Mareykanka.

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa horay u diidday dadaallo lagu doonayay in Trump laga mamnuuco codbixinta, sababo la xiriira ficilladiisii ka dib doorashadii 2020-ka.

Donald Trump, madaxweynihi hore ee Mareykanka ayaa hadda ah murashaxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada madaxtinimada Mareykanka ee Bisha November, wuxuu la baratami doonaa, madaxweynaha xilligaan Joe Biden, oo ah murashaxa xisbiga Dimoqraadiga.

Ankara 2da Luulyo 2024 Dowladda Turkey ayaa sheegtay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay isku raaceen in ay wsii wadaan wada-hadallada shalay ka dhacay Ankara ee aysan wax natiijo la taaban karo ah ka soo bixin.

Wada-hadallada ayaa si aan toos aheyn u dhex-maray wasiirada arrimaha dibedda labada dal Axmed Macallin iyo Taye Atske Selassie.

Dowladda Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri “Wadahadalka ayaa si weyn loogu kala aragti duwanaa, gaar ahaan Dowladda Soomaaliya oo mawqifkeedii hore ee ahaa in dawladda Ethiopia ay ka noqoto MoU-gii sharcidarrada ahaa ku adkaysatay iyo in aan wax gorgortan laga galeyn ilaalinta madaxbanaanida dhuleed ee dalkeenna oo u ah dowladda Soomaaliya lama taabtaan.”

Wasiirka arrimaha dibedda Turkey Hakan Fidan ayaa sheegay in wada-hadallada aysan aheyn fool ka fool balse labada dhinac ay si kala gooni gooni ah u fadhiyeen oo loo kala dab qaadayey.

“Wasiirradu, iyada oo loo marayo fududaynta Turkiga, waxay awood u yeesheen inay si gooni gooni ah u yeeshaan wada-hadal daacadnimo, niyad sami iyo aragti fog oo ku saabsan khilaafaadkooda iyo sahaminta aragtiyo ku wajahan sidii wax looga qaban lahaa hab la wada aqbali karo,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Hakan Fidan.

“Wasiirrada Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku celceliyay inay ka go’an tahay in si nabad ah lagu dhammeeyo khilaafaadka, waxayna sheegeen inay ku faraxsan yihiin inay Turkiga fududeeyaan.”

“Labada dhinacba waxay dadaalkan uga mahad-celiyeen Mudane Recep Tayyip Erdoğan, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Inkasta oo Soomaaliya iyo Turkey ay bayaano kasoo saareen wada-hadallada, haddan waxaan weli ka hadal Itoobiya.

WARARKA MAANTA 1da Luulyo  2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta  #Hambalyo 1da Luulyo 2024 Shacabka Soomaaliyeed gudaha dalka Iyo dibadaba! Maxuu yahay shirka qarsoodiga ah ay Dowladda #Damu_jadii Iyo  #Mafia #Dowladda #Ethiopia uga furmay #Ankara, #Turkey? Maxuuse Madaxweyne Mudane Ismaaciil Cumar udiiday in la sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Iyo #Maqaamka #Muqdisho? Maxy tahay sababta Raysal Wasaare hore Mr. Kheyre u yimid #Minneapolis? Maxaase loo diiday Prof. Maxamed Shiikh Cisman Jawaari in lagu aaso Baydhabo Janaay? Yaa abaabulaya dagaalada ka socda gudaha dalka Madaxweyne Mudane Ismaaciil Cumar? Maxay tahay sababta loo burburinaaya #Somaliland, #SouthWestState Iyo #Puntland? Yaa noqon doona Wasiirka Arrimaha Dibada ee Soomaaliya? Maxuuse yahay khilaafka qarsoon ee ka dhex jira Dowladda #Damu-Jadiid?  Ha Wiqleyso! 

Muqdisho 1da Luulyo 2024 Taliska booliska Soomaaliya iyo xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa soo saaray amar wadajir ah oo ay ku cadeynayaan in caawa inta loo dabaal-degayo 1-da Luuliyo aan xabado la ridi karin.

Xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda ciidamada qalabka sida Cabdullahi Buulakamey iyo Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa qabtay shir jaraa’id oo ay ku soo saareen amarkaan.

Ugu horeyn Afhayeenka booliska ayaa sheegay in qofkii xabad rida lasoo xiri doono dushana laga saari doono wixii khasaare ah oo caawa dhaca, isagoo hoosta ka xariiqay in xabado la rido inta lagu jiro munaasabadaha toddobaadka xoriyadda Soomaaliya.

Booliska Gobolka Banaadir ayaa maalmo ka hor shaaciyey in la soo xiray 9 askari oo jebisay amar ahaa in “xabado aan laga ridi karin Muqdisho” askarta lasoo xiray ayaa habeenkii calan saarka ee 26-kii Juun kor u riday xabado.

Xabadihii habeenkaas la riday ayaa Muqdisho ku dilay ugu yaraan labo qof iyagoo dhaawacay dad kale, taas oo khasabtay in lasoo qabto askartii xabadaha riday intooda badan.

Xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada Jeneraal Cabdullahi Buulakamey oo shirkaan jaraa’id la qabtay afhayeenka ayaa sheegay in askartii lasoo xiray ay u gudbiyeen xabsiga dhexe, iyadoo dhowaan lasoo taagiWuxuu sheegay in askartaas loo heysto dadkii xabadaha ku dhintay iyo kuwii dhaawacmay habeenkii 26-kii Juun iyo amarkii booliska oo ay jebiyeen, Buulakamey ayaa ku goodiyey inay maxkamad soo taagi doonaan 9-ka askari ee lasoo qabtay. doono maxkamad.

Somaliland da Luulyo 2024 Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo la kulmay masuuliyiinta maamulkaas ee ka soo jeeda gobolka Awdal iyo qaar kamid ah odayaasha dhaqan Gobolkaas ayaa jeediyay hadal uu eedeymo culus ugu jeediyey dowladda Jabuuti.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Jabuuti ay dhistay ‘jabhad’ ku goodineysa inay Somaliland ka xoreynayaan gobolka Awdal, isagoo sheegay in taasi aysan dhaceyn.

Madaxweyne Muuse ayaa sheegay in Somaliland aysan fileyn in Jabuuti looga dhawaaqi karo koox ka soo horjeeda jiritaanka Somaliland, balse arrintaas ay la noqotay layaab, isagoo ku goodiyey in maamulkiisa aysan waxaba ka qaadi karin kooxo lagu aas-aasay wadamo kale.

“Maalmahan waxaan arkeynay qolo jabhad ah oo Jabuuti ka dhex hadleysa oo leh Awdal ayaan xoreyneynaa, Jabuuti taas kama filaneyn, hadeysa sidaas la noqotay wixii ka dhasha ee guud weynu arki doonnaa” ayuu yiri madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Madaxweynaha ayaa sheegay iIn siyaasiyiinta Somaliland ay ka mideysanyihiin mabda’a ilaalinta qaranimada Somaliland, balse ninkii aragtidiisu ay taas ka duwanaato uu yahay mid soo raacaya cadawga, sida uu hadalka u dhigay Muuse Biixi.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada laga arkay rag badan oo deegaan ahaan ka soo jeedaan gobolka Awdal oo isku abaabulay gudaha Jabuuti, kuwaas oo toos uga horyimid go’aanada Muuse Biixi, si cadna u sheegay in aysan ogoleyn heshiiskii uu Muuse badda ku siiyey Itoobiyaanka.

Sawirrada siyaasiyiinta uu ka hadlay Muuse Biixi ayaa la baahiyey iyagoo booqanaya safaaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti, iyaga oo la kulmay Danjire Salaad Cali Jeelle, sidoo kale waxay mar tageen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ragaani waxay mar walba sheegaan in aysan ogolayn in dhul xeebeen laga kireeyo dawladda Itoobiya, balse marna ma aysan sheegin in ay Jabhad yihiin iyo in kale, Muuse Biixi ayaa hadalkiisa u dhigay, carabkana ku adkeeyey in ragaasi ay jabhad yihiin.

Wax kacdoon dadweyne ah hadda kama jiraan gobolka Awdal iyo deegaanada kale ee dhaca xadka Jabuuti iyo Somaliland, balse waxaa jira guux dadweyne oo lagu diidan yahay damaca Itoobiya, halka Somaliland ay muujineyso feejignaan ay kaga hortegeyso wax kasta oo kacdoon ah.

Muqdisho 1da Luulyo 2024 Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka socda dabaal-deg wayn oo lagu xusayo maalinta kowda Luulyo oo ah markii ay xornimada qaateen Gobollada Koonfureed iyo midowga labadii gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Munaasabad lagu xusayo sanad guurada 64-aad ee maalintan qaran ayaa haatan ka socota magaalada Muqdisho, taas oo si heer sare ah loo soo agaasimay.

Sidoo kale waxaa la xiray waddooyinka halbowlaha ah ee caasimada oo lagu soo daadiyay ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda, kuwaas oo hakad-geliyay dhaq-dhaqaaqa.

Ciidamada ayaa gaadiidka iyo dadka ka celinaya waddooyinka muhiimka ah, si ay u sugaan amniga inta uu socdo dabaal-degga xuska kowda Luulyo.

Waxaa kale oo ay ciidamadu sameynayaan bandhig wayn oo lagu muujinayo qiimaha maalinta xoriyadda dalka, kaas oo ka socda taalada Daljirka Daahsoon ee Muqdisho.

Dhinaca kale madaxweynaha  Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ka qeyb galay Munaasabadda Calan-saarka habeenka 1-da Luuliyo oo ku astaysan 64 sano guurada xornimada Gobollada Koonfureed iyo midowga Labadii Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

“Hambalyo Dadka Soomaaliyeed munaasabadda Calan-saarka sannad guurada 64-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen gobollada koonfureed ee dalka iyo midnimadii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur, habeenkii xornimada iyo midnimada ee 1-da Luulyo 1960-kii.” ayuu yiri taliyaha Xoogga oo qayb ka ahaa calan saarka xalay ee kowda Luulyo

Munaasabadan waxaa ka horreysay midda 26 June oo iyana horay loogu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana sanadkan ay dowladda u diyaar garowday si ka duwan sanadihii hore.

Turkey 1da Luulyo 2024  Soomaaliya ayaa dirtay wasiirka Arrimaha Dibedda Axmed Macallin Fiqi oo maanta u safray Turkiga, waxaana la sheegayaa in Addis Ababa ay iyaduna Turkiga u dirayso wasiirka Arrimaha dibedda.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay, in “Dowladda ay ka go’an tahay mabaadi’deeda ilaalinta madaxbanaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.”

Turkiga ayaa Soomaaliya u sheegay inuu diyaar u yahay inuu xalliyo khilaafka Muqdisho iyo Addis Ababa, waxaana dhawaan madaxweynaha Soomaaliya uu Ankara kula kulmay wasiirka arrimaha dibedda ee Turkiga Hakan Fidan.

Haddaba maxaa laga ogyahay kulankan?

“Kulanka oo ah mid hal maalin soconaya ayaa waxaa labada dhinac ku kala matalaya Wasiiradooda arrimaha dibadda ayaa waxaa aan fahamsanahay in Itoobiya ay codsatay kulanka, waxaana fududeynaya dowladda Turkiga oo labada dhinac isku keeneysa,” ayuu yiri Maxamed Mukhtar oo ka faallooda arrimaha geeska horayna u soo noqday wasiirka batroolka Soomaaliya.

“Mowqifka Soomaaliya ayadoo qoraal ahna wey gudbiyeen marar badanna wey sheegeen in arrinta qaranimada aysan marnaba gorgorton ka galeyn iyo midnimada dhulka Soomaaliyeed, balse wixii kale oo wadahadal ah oo wada ganacsi ah ama wada shaqeyn ah ay diyaar u yihiin,” ayuu intaas ku daray.

Dawladda Soomaaliya waxay ku sheegtay qoraalka kooban ewe wasaaradda Arrimaha dibadda ay soo dhigtay barta X in ay “ka go’an tahay inay si adag ugu taagnaato mabaadii’deeda ay ku ilaalinayso madax banaanideeda dhuleed.”

WARARKA MAANTA 30ka Juun 2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta Yaa dilay siyaasiyiinta #Soomaalida? Maxuuse kashifay Weriye Macalinka Lugeeye? Maxaase loo sumeeyey Marxuumad Maxamed Shiikh Cismaan “Jawaari” sida uu kashifay Macalnka Lugeeye? Maxuuse ka xanaaqsan yahay Madaxweynaha Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar? Maxuuse beenta u sheegayaa Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay dastuurka oo diiday inuu Maxkammadda Dastuuriga sameeyo Iyo Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa dilalka Madaxda #Soomaaliya qorsheeya? Yaa 400 00 gabdhood/igaar Carabka ka iibiyey Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa #Soomaaliya Madaxweyne ka ah Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” mise Madaxweyne Mudane Ismaaciil Cumar?  

 Ha Wiqleyso! 

Qaramadda Midooway 30ka Juun 2024 Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, ayaa ka digay kooxda Alshabaab in ay weli tahay khatar xooggan. James Swan, ayaa xusay in dowladda Soomaaliya looga baahan ahay in ay muhiimad gaar ah siiso amniga xilliga kala guurka ah.

“Al-Shabaab waxaa weli ka go’an in ay sii waddo weerarrada argagixisanimada iyada oo aan tixgalinayn khasaaraha nolosha rayidka,” ayuu yidhi ku simaha ergayga Qaramada Midoobay.

Ergayga UN-ka ayaa sheegay in Kooxda Alshabaab ay wali leedahay awoodda ay ku fulinayso weerarrada xunxun.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan codsatay in hoos loo dhigo bixitaanka ciidamada ATMIS, iyadoo tilmaamtay in 4,000 askari oo bixi lahaa dhammaadka bishaan June, loo kala qeybiyo qaybood.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ayaa taageeray oo ansixiyay codsiga Soomaaliya, balse Golaha Ammaanka weli kama uusan hadlin codsiga Soomaaliya.

Qaraarka Golaha Ammaanka ayaa dhigaya in ciidamada ATMIS ay guud ahaan ka baxaan Soomaaliya dhammaadka sannadkan.

Somaliland 30ka Juun 2024  Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa u jawaabay koox uu ku sheegay jabhad oo ‘isku uruursaneyso’ dalka Jabuuti, taas oo dhowaan hanjabaad culus usoo dirtay maamulkiisa

Muuse Biixi ayaa sheegay inuu arkay hanjabaadda kooxdan oo uu tilmaamay inay ku goodiyeen xoreynta gobolka Awdal, taas oo uu ku tilmaamay wax lala yaabo.

Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in Jabuuti dhexdeeda aysan ka fileyn in laga soo abaabulo wax liddi ku ah jiritaanka Somaliland, uuna aad uga xun yahay arrintaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha ayaa xusay inay ka war sugayaan sida ay xaaladda noqoto, wuxuuna sheegay in Somaliland ay mar weliba difaac ku jirto, ayna isaga filan tahay cadowgeeda.

“Waxaan arkayay jabhado jabuuti dhexdeeda ka soo dhex hanjabaya oo leh Awdal baanu xoraynaya, halkaa kamaan filayn, haday jabuuti sidaa la noqotay waxay noqoto ayaynu sugaynaya” ayuu yidhi Madaxwayne Muusw Biixi.

Hadalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo maanta kasoo yeeray guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo isna sheegay in Somaliland looga tashaday Soomaaliya iyo Jabuuti.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in lagu  tashaday in laba jiho laga weeraro Somaliland oo kala ah dhinaca Jabuuti iyo aagga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ee waqooyiga dalka Soomaaliya.

“Waxa lagu tashaday in dalkeenna laga soo weeraro dhinaca Jabuuti iyo dhinaca Laascaanood, sidii 1988 kii ayaa maanta markale dhiigeena la xalaashaday, waxa lagu tashaday in Somaliland la burburiyo” ayuu yidhi guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Si kastaba, arrimahan ayaa kusoo aadayo ayada oo ay cirka isku sii shareertay xiisadda xoogan ee ka dhalatay heshiiska badda oo ay ka horyimaadeen dowladaha Jabuuti iyo Soomaaliya.

Muqdisho 30ka Juun 2024 Diyaaradii ugu horeysay oo Soomaali ay leedahay ayaa maanta soo cagadhigatay magaalada Muqdisho, taas oo bilaabeysa duulimaadyo caalami ah iyo kuwo gudaha ah, waana markii ugu horeysay ee burburkii kadib oo diyaarad ay ku duusho magaca Soomaaliya.

Ganacsato Soomaaliyeed ayaa diyaaradaan iska leh, waxaana wada oo shaqaale iyo wax walba ka ah dhallinyaro  Soomaaliyeed.

Premier Airlines ayaa lagu magacaabaa shirkadda iska leh diyaaradaan oo ku howlgeli doonta magaca Soomaaliya, waxayna buuxi doontaa baahi badan oo bulshada Soomaaliyeed ay u qabtay. 

Munaasbaadii xariga looga jaray diyaaradaan ka howlgeli doonta dalka, waxaa maanta xarigga looga garay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ganacsatada iska leh Diyaaradda, maamulka garoonka iyo masuuliyiinta wasaaradda gaadiidka ayaa kasoo qeyb galay munaasabadda xarigga looga jaray diyaaradaan.

Milkiilaha diyaaradda ayaa munaasabadda ka sheegay in diyaaradaan ay u safri doonto dhamaan deegaanada shanta gobol ee Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in diyaaradaan ay shaqaale ka yihiin dhalinyaro Soomaaliyeed, sidoo kale dowladda iyo masuuliyiinta kale ee ka qeyb gashay munaasabadda ayaa soo dhoweeyey qorshaha shirkadaan.

Muqdisho 30ka Juun 2024 Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta kala hadlay caqabadaha ka jira gobolka Geeska Afrika.

Wasiir Fiqi oo hadda ku sugan dalka Masar, ayaa maanta la kulmay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Ahmed Aboul Gheit, oo uu kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga, isku duwidda iyo adkaynta taageeridda qarannimada Soomaaliya.

Intii kulanka lagu guda-jiray, Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta taageerada Jaamacadda ee joogtada ah iyo garab-istaaggeeda dhowridda midnimada iyo madax bannaanida Soomaaliya.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay qotodheeraynta iskaashiga iyo xoojinta ujeedooyinka wadaagga ah ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta u dhexeeya.

Labada masuul ayaa hoosta ka xariiqay in si firfircoon looga shaqeeyo dejinta istiraatiijiyado wax ku ool ah oo looga hortago caqabaha heer gobol.

Sidoo kale kulanka lagu faaqiday xaalidihii ugu dambeeyay gobolka Geeska Afrika iyo mowqifyada caalamiga ee labada dhinac muhiimadda gaarka ah u leh.

Si gaar ah wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa diiradda saaray gardarada Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya, isagoo Jaamacadda Carabta ku amaanay sida ay Soomaaliya ugu garab istaageen qadiyadaas.

Ugu dambeyntii Wasiir Fiqi ayaa dalalka Carabta ka codsaday inay xoojiyaan garab istaagooda Soomaaliya oo wajaheysa marxalado kala duwan, sida gardarada Itoobiya, argagixisada, dhaqaale yari, dowlad-dhiska iyo caqabado kale.

Dhinaca kale, Wasiir Fiqi ayaa maanta kula kulmay Magaalada Qaahira, dhiggiisa dalka Masar Sameh Shoukry, oo uu kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo soo banbixinta fursadaha cusub ee iskaashiga si kor loogu qaado dano wadaagga labada dal ee walaalaha ah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarray dhinacyo badan oo muhiim ah sida dhaqaalaha, amniga, waxbarashada, dhaqanka, tababbarada, iyo caafimaadka, waxaa kale oo la iskula eegay furidda khad duulimaad toos ah oo labada dal dhexmara bisha Luulyo ee soo aaddan iyo in Soomaaliya laga furo laanta Bankiga Masar, waxaa intaasi sii dheer in lagu faaqiday xaaladihii ugu dambeeyay ee arrimaha geeska afrika, gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee labada dhinac muhiimadda gaarka ah u leh.

Soomaaliya ayaa la leh Masar xiriiri iskaashi xooggan oo qoto-dheer oo taariikhi ah, waxa ayna u aragtaa saaxiib istiraatiiji ah.

Sacuudiga 30ka Juun 2024 Dowladda Sacuudiga ayaa Soomaaliya ku taageertay lacag dhan $36 Malyan oo ahayd deyntii Sanduuqa OPEC uu Soomaaliya ku lahaa, lacagtaan ay Dowladda Saudi Arabia ka bixisay Dowladda Soomaaliya waxaa loo yaqaanaa (Bridge Loan). Sida lagu daabacay bogga Al-Carabiya.

Heshiiskaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Sanduuqa OPEC ay wada gaareen ayaa waxaa qeyb libaax leh ka qaadatay Dowladda Sacuudiga oo fududeysay wada xaajoodka deyn cafintaan xalka looga gaaray iyo habkii loo maray xalinteeda oo muddo ku taagnayd Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda ee dowladda Federalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa Soomaaliya ku matalalay kulankaas oo ka dhacay magaalada Vienna ee magaalo madaxda dalka Austria.

Dhanka OPEC waxaa heshiiska ku matalayay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Caalamiga ah ee ururka OPEC Dr. Cabdulhamid Alkhalifa xilli uu goob joog ka ahaa heshiiska Dr. Mohamed Al-Jadaan oo ah Wasiirka Maaliyadda Dowladda Sacuudi Carabiya.

Wasiirka Maaliyadda ayaa yiri, “Waxa aan heshiis ka gaarnay Deyntii Sanduuqa OPEC si aan u xallino deymaha uu nagu lahaa Sanduuqa oo gaaraysay $36 Milyan. Waxa aan ka mahadcelineynaa taageerada Dowladda Sacuudiga ee fududeysay dhabaha loo maray xalinta deyntaan. Tani waa guul kale oo laga gaaray wada-xaajoodyada Deyn Cafinta Soomaaliya, ee lagu guuleystay ee taageeraya xasilloonida dhaqaale ee Soomaaliya”.

Maxay tahay deyntan?

“Waa deyn ay Soomaaliya qaadatay toddobaatameeyadii ilaa siddeetameeyadii xilligii dowladdii kacaanka waxaana ku lahaa waddamo ama shirkado kala duwan oo ay u weyn yihiin koox loo yaqaano Paris Group ah oo waddamo isu tagay, waxaana horkacayay deyn cafinta Soomaaliya IMF iyo Bankiga Adduunka, marka sannadkii dhamaaday waxaa Soomaaliya laga cafiyay lacag dhan 4.5 milyan oo doollar, laakiin wixii ka dambeeyay waxaa soo baxayay oo deynta qeyb ahaan ku lahaa dhinacyo kale kuwaas oo aanan ku jirin Paris Group,” ayuu Dr Shaafici Shariif Maxamed oo falanqeeya arrimaha dhaqaalaha.

“Waxaa jiray waddamo kale oo Soomaaliya ka cafiyay deymihii ay ku lahaayeen, tusaale sannadkan dhexdiisa Ruushka ayaa Soomaaliya ka caifiyay deyn uu ku lahaa ka dib shirkii xiriirka Ruushka iyo Africa, sidaas si la mid ah Ingiriiska ayaa bil iyo bar ka hor ku dhawaaqay in Soomaaliya lacagtii uu ku lahaa ka cafiyay haddana waxaan arkaynaa OPEC oo ku dhawaaqday in 36 malyan ay iyadana ka cafisay dabcan waddamo kalana waa ay soo bixi doonaan.”

Maxay Soomaaliya uga dhigan tahay deyntan laga cafiyay?

Heshiiskan magaalada Vienna ay ku gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Sanduuqa OPEC oo sida la sheegay wadxaajood iyo heer kala duwan soo maray ayay khuburadu sheegeen in Soomaaliya ay uga dhigan tahay inay fursad u heli doonto mustaqbalka dhaw in ay qayb ka noqoto deeqaha iyo mashaariicda horumarineed ee Sanduuqa OPEC uu siiyo si la mid ah dalalka soo koraya ee Afrika.

“Waxay fursad u tahay oo Soomaaliya uga dhigan tahay in lacagaha laga cafiyo, dabcan waddan lacag lagu leeyahay sidiisaba lacag kale lama deymin karo, kii lacag kugu lahaana lacag kuma deyminayo, kii aan kuugu lahayna xataa hadduu ogaado in deyn laguugu leeyahay kuma siinaayo marka Soomaaliya laba fursadba waa ay heleysaa oo kuwii hore deynta ka cafiyay waxay ka heli karaan deyn cusub kii aan lacag ku lahayna marka uu ogaado inaan Soomaaliya deyn lagu lahayn waxa uu siinayaa deyn,” ayuu yiri Dr Shaafici

“Middaan OPEC sida gaarka ah u quseeysa, waxay leeyihiin sanduuq loogu talagay mashaariicda hormarinta oo aan ahayn arrimaha saliidda kaas oo loogu talagalay waddamada dhaqaalahoodu hooseey, marka Soomaaliya awood uma lahayn markii hore ay ku codsato dhaqaalaha OPEC ee hormarinta maaddaama ay ku jirto “Black list” ama liiska Madow sidaas darteed ma codsan karin lacago cusub inay hesho, marka hadda waxay fursad u heshay inay lacag cusub ka codsan karto OPEC taas oo loo isticmaali karo mashaariicda hormarineed ee Soomaaliya,” ayuu yiri sidoo kale Dr Shaafici.

Isha: BBC

WARARKA MAANTA  =27ka Juun 2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Meeqo sanno ayaaunu shacabka u sheegaynay in #Damu-Jadiid yo Shabaab Iyo Fahad Yaasiin isla wadashaqaystaan? Maxuu yahay wadahadalka u furnay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” iyo Ururka Argagixisada Shabaab ? Yaa Shabaab ka dhigay wasiir, agaasiyaal, taliyayaal haddana raba inuu la heshiiyo markii uu baabi’iyey ciidanka #Soomaaliya? Yaa diiday #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday in la sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa shacabka intuu wax u sheego iska soo seexaaya heshiisyo aan labada aqal la gayn/keenin Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”?? Yaa 4000 oo gabadho ah u iib geeyey Carabta? Yaa qabuuraha soo foogay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso! 

Muqdisho 26ka Juun 2024Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta hoygooda ku booqday Guddoomiyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka dalka Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Sidoo kale isla maanta Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu xafiiskiisa ugu tegay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Xamse Cabdi Barre oo ay wehliyaan wasiiro hoggaaminaya guddiga loo xil-saaray qaban-qaabada munaasabadaha toddobaadka xoriyadda.

Qoraal ay Madaxtooyadu ka soo saartay kulamadaas ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu madaxdaas ugu tegay inuu “lasoo qaybsado farxadda maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada dalka.”

Faahfaahin intaas dhaafsan lagama bixin kulamada Xasan Sheekh uu guryahooda kula yeeshay 3 masuul ee dalka ugu sareysa markii laga soo tago isaga oo madaxweynaha jamhuuriyadda ah.

Xogta ay kulamadaas ka heshay Caasimada Online waxay sheegeysaa in Xasan Sheekh uu masuuliyiintaas kala hadlay arrimnta dastuurka oo aad uu u daneynayo in la dhameystiro.

Madaxweynaha ayaa dib u bilaabay ololihiisa dhameysrtirka dastuurka, maadaama ay maalmaha soo socda furmayaan kulamada baarlamaanka, horay waxaa loo ansixiyey ilaa afar cutub, hadan waxaa la qorsheynayaa in golayaasha la hor geeyo cutubyo hor leh.

Sida ay ogaatay Caaasimada Online, ilaa 5 cutub oo cusub ayaa diyaarsan, kuwaas oo muhiim u ah Xasan Sheekh inay meel maraan, guddiga ka shaqeynaya dastuurka ayaan helin wax fasax ah, waxayna diyaariyeen 5 cutub, labadii bilood ee fasaxa ay ku jireen labada Aqa lee baarlamaanka.

Madaxweynaha ayaa labada guddoomiye ee baarlamaanka ku adkeeyey inay taageeraan qorshiisa waxkabedelka iyo dhameytirka dastuurka, waxaana la sheegay inay ka ogolaadeen, sidoo kale ra’iisul wasaaraha iyo xukuumadiisa ayaa door weyn ku leh meel marinta qorshaha dastuurka ee madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa dhegaha ka fureystay qeylo dhaanta siyaasiyiinta mucaaradka ah ee diidan hanaanka wax ka bedelka dastuurka, 4 cutub ayaa la ansixiyey waxaana hartay 11 cutub, 5 kamid ah ayaa hadda diyaarsan sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaana la horgeynayaa kulamada ugu soo horeeya ee labada Aqal.

Muqdisho 26ka Juun 2024Waxaa isa soo taraya war sheegaya in dowladda Soomaaliya ay wadahadal la fureyso Khawaarijta Al-Shabaab, wadahadalkaas ayaa la qorsheeyey inuu ka furmo dalka Qatar, sida ay xogtaan ku heshay Caasimada Online, waxaana gar-wadeen ka ah ilaa 3 dowladood oo waaweyn.

Xogtaan oo Caasimada Online ay ka heshay ilo xog ogaal ah oo kala duwan ayaa tilmaameysa in qorshaha wadahadalka dowladda Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab ay dharaan-dhirinayaan dowladaha Qatar, Turkiga iyo Norway.

Inkastoo aan la cayimin waqti, hadana waxaan ogaanay in qorshahaan uu si hoose u bilowday, waxyaabaha la qorsheeyey ee go’aanka laga gaaray ilaa hadda waxaa ka mid ah ergada dowladda Soomaaliya ku meteleysa wadahadalkaas oo gaareysa 300 oo qof, sida aan ku helnay xogta.

Warkaan oo ilaa hadda aan toos u soo shaac-bixin, balse Caasimada Online ay u soo dusiyeen xubno muhiim ah oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya, waxaan heynaa ilo wareedyo kale oo xoojinaya jiritaankiisa.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka mid ah siyaasiyiinta sida dul-marka ah uga hadlay wadahadalka la qorsheeyey in dowladda Soomaaliya ay la yeelato argagixisada Al-Shabaab, isagoo dowladda ka dalbaday in bulshada Soomaaliyeed aan waxaba laga qarin.

“Wadahadalka la sheegay in kooxda argagexisada AS lala gelayo waa in aysan noqon khudbosir qof kaligii go’aansado. Waa in lagu wajaho talo qaran oo loo dhanyahay, shacabka wakiilka laga yahayna si daahfuran loola socodsiiyo,” ayuu yiri CC Shakuur.

Dhankiisa Taliye ku xigeenkii hore ee hey’adda NISA Cabdisalaan Guuleed oo ka mid ah siyaasiyiinta xog ogaalka ah ayaa arrintaan ka soo saaray qoraal uu ciwaan uga dhigay, “WADA HADALKII AL-SHABAAB MIYAA BILOWDAY?”

“Shir ay kasoo qayb geleyaan ilaa 300 qof oo qurbajoogta Soomaalida u badan ayaa 22-ka July ka furmaya Doha Qatar. Shirkaan waxaa soo abaabulay sida la sheegay Wasaarada arimaha dibada Soomaaliya iyo safaradda Soomaalida ee Qatar. Inkasta uu yahay shir soconaya 2 maalmood, hadana ujeedkiisa lama shaacin. Dadka ka qayb geleya waxay leeyihiin ‘Aniga si hoose ayaa la iigu casuumay cidna hala wadaagin baa la igu yiri’ Waxan isweydinayaa muxuu yahay shirkaan, maxaase loo qarinayaa?” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdisalaan Guuleed.

Sidoo kale Cabdisalaan ayaa sheegay  in shir 300 oo qof oo Soomaali ay ka qayb geleyso uusan aheyn wax la qarin karo, “Mid waa iska cadahay, in Doha muujineyso saameynta iyo xariirka dhow ee dowlada xasan Sheekh ay la leedahay, sidoo kale wuxuu shirkaas tusaale u yahay in Qatar ay Soomaaliya uga dhowdahay Imaaraadka,” ayuu qoraalkiisa ku yiri taliye ku xigeenkii hore ee NISA.

Maalmo ka hor Madaxweynaha Soomaaliya oo safar ku tegay dalka Norway ayaa madal ay dad badani ku sugnaayeen ka sheegay inay dhici karto in colaada Al-Shabaab ay wadahadal ku soo dhamaa karto, in kastoo uu aad u soo kooban ka hadalka arrintaas, hadana waa farriin muujineysa in damac noocaas ah u uku jiro dowladda Soomaaliya.

Bilo ka hor sidaan oo kale Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa kulan Muqdisho ka dhacay ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay inay Shabaab wadahadal la gasho hadii ay dilka, qaraxyada iyo dhibaatooyinka kale ka dhaafayaan shacabka Soomaaliyeed.

Xogta ugu muhiimsan ee qorshahaan la qarinayo daaha ka qaadeysa waa in magaalada Dooxa ee Dalka Qatar ay ka socoto qaban-qaabada shirweyne ay Soomaali badan ka qeyb geli doonto, kaas oo ajendihiisa aan ilaa hadda la shaacin, balse Caasimada Online ay la hadleen qaar ka mid ah ergada lagu casuumay.

Boolifiya26ka Juun 2024\ Madaxweynaha dalka Bolivia Luis Arce ayaa sheegay, in Arbacadi shalay ay fashiliyeen isku day afganbi oo ay fuliyeen cutubyo ka tirsan millatariga dalkaasi, kuwaas oo muddo kooban heystay madaxtooyada iyo aqalka baarlamaanka, ka hor inta aysan dib uga soo laaban.

Goor sii horreysay oo shalay ah, ayay cutubyo ka tirsan milatariga oo uu hoggaaminayay Jeneral Juan Jose Zuniga, oo dhawaan laga xayuubiyay xilka taliyaha ciidanka xoogga, ayaa isugu soo baxay fagaaraha u dhaw qasriga Plaza Murillo, oo ay ku yaallaan madaxtooyada iyo Congress-ka.

Goob-joogayaal ayaa VOA-da u sheegay, in ay arkeen gawaari gaashaaman oo albaabka madaxtooyada xoog ku galaya iyo askar orod ku sii galeysa.

Kolonyo baabuurta gaashaamman ah oo ay saarnaayeen askarta qabsatay madaxtooyada Bolivia, ayaa iyaga oo si saf ah ku socda dib uga soo laabtay qasriga madaxtooyada, xilli ay boqollaal ka mid ah taageerayaasha madaxweynaha ay si dhaqso ah ku buuxiyeen fagaaraha ku yaalla bannaanka qasriga madaxtooyada.

Iyaga oo lulaya calanka kuna heesaya astaanta qaranka Bolivia, ayaa waxaa u gacmo-haatiyay madaxweynaha oo ay hareeraha ka joogeen wasiirradiisa. Madaxweyne Arce ayaa u mahadceliyay dadki isugu soo baxay fagaaaraha. Wuxuu wacad ku maray inuu meel adag ka istaagi dooni afganbiga, isaga oo markiiba taliye cusub u magacaabay ciidanka millatariga.

Saacado yar kaddib, booliska Bolivia ayaa xiray jeneraalki ka danbeeyay isku-dayga afgani, kaddib marki uu xeer-ilaaliyaha guud uu furay dacwad ka dhan ah jeneraal Juan José Zúñiga.

Isku-daygi afganbi ee Arbacadi ayaa yimid, kaddib bilooyin ay kacsaneyd xiisadda siyaasadeed ee Boliva, kaddib marki ay madaxweyne Arce iyo madaxweynihi hore Evo Morales ay isku qabsadeen maamulka xisibiga talada haya. Arrintaasi ayaa dhalisay bannaanbaxyo sii xoogeysanaya oo ay taageerayaasha Morales dhigayaan.

Morales ayaa xakunka xoog looga tuuray sannadki 2019-ki, kaddib kacdoon dadweyne oo Bolivia ka dhacay, kaddib muddo tobnaan sano ah oo uu dalkaasi dhaca bartamaha Koofurta America soo xakumayay.

Wuxuu hadda doonaya inuu u tartamo doorashada madaxtinimada ee Bolivia ka dhaceysa sannadka 2025-ka.

My=udug 26ka Juun 2024\ Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka uu dib uga qarxay dagaal u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed, kaas oo hadda ka socda galbeedka gobolkaasi.

Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa ka qarxay deegaanka lagu magacaabo Maygaagta, waxaana uu u dhexeeyaa laba beelood oo isku haysta dhul daaqsimeed ku yaalla halkaasi.

Labada dhinac oo horay ugu dagaalamay aaggan ayaa mar kale saaka is-farasaaray, kadib gurmadyo ay heleen, waxaana dagaalka la’isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in xaaladda ay faraha ka baxday, isla markaana uu jiro khasaare balse aysan cadeyn karin maadaama uu weli socdo dagaalka.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamullada Galmudug iyo Puntland oo ku aadan dagaalkaasi oo u dhexeeyo laba beelood oo kasoo kala jeeda maamulladaasi.

Gobollada dhexe waxaa ka socda dagaal beeleedyo kala duwan, kuwaas oo gaystay khasaare aad u xoogan, kuwaas oo ka qarxay meelo kala duwan oo kamid ah gobolladaasi.

Si kastaba, dagaalladan ayaa kusoo aaday, ayada oo weli howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka socdaan Galgaduud iyo Mudug, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda.

‘Muqdisho 26ka Juun 2024\Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa waxaa looga hadlay arrimo ku aadan heshiiska badda, kaas oo dhaliyay xiisad xoogan oo u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Qoraalka uu soo saaray Abiy oo lagu daabacay bartiisa Twitter-ka ayaa ugu horreyn lagu beeniyay inay Itoobiya ka laabatay heshiiskii ay horraantii sanadkan la gashay Somaliland, kaas oo ay si wayn u diiday dowladda dhexe.

Xafiiska Abiy Axmed ayaa iska fogeeyay waraaqo saacadihii lasoo dhaafay lagu baahiyay baraha bulshada, taas oo lagu sheegay in Itoobiya ay ka baxday heshiiskii is afgarad ee ay dhowaan la gashay Somaliland.

Sidoo kale waxaa jawaabta kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha looga digay shacabka inay ka digtoonaadaan wararka been abuurka ah ee wareegaya baraha bulshada.

“Xafiiska Raysal Wasaaruhu waxa uu dadwaynaha kula talinayaa in ay ka digtoonaadaan wararka been abuur ka ah ee wareegaya baraha bulshada ee ku saabsan isfahankii aanu la galnay Somaliland” ayaa lagu yiri qoraalka dowlada Itoobiya.

Waxaa kale oo uu qoraalku intaasi sii raaciyay in wixii xog ah ee ku aada  arrimaha guddaha, gobolka iyo caalamkaba lagu baahiyo kaliya boga rasmiga ah ee xafiiska ra’iisul wasaare Abiy Axmed, isla markaana aanu shaqo kulahayn wararka lagu baahiyo baraha kale“Somaliland iyo Itoobiya waxaa ka go’an in Agree-ga la saxiixo kadibna MoU-ga loo beddalo xeer oo uu dhaqan-galo. Aroorta haddii ay qolada kale diyaar tahay annaga diyaar ayaa nahay waa dal ballaaran mana jiro wax ka noqosho ah” ayuu khudbadiisa yiri madaxweynaha maamulka Somaliland.

Soomaaliya ayaa dhankeeda weli diidan heshiiska Abiy Axmed uu la galay Muuse Biixi, kaas oo dhaliyay inay qaraxdo xiisad u dhexeysa labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo si weyn looga dareemay gobolka.

WARARKA MAANTA  26ka Juun 2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: #Hambalyo Shacabka Soomaaliyeed ee Gobalada Waqooyi #Somaliland! Yaa runta qarin kara? Yaa xukumma Soomaaliya Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” u diiday inuu sameeyo #Maqaamka #Muqdisho? Maxuuse Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” u diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah?? Yaa amray in qabuuraha la faago Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yeey xaasaskiisa baad ka qaataan ganacsiga shacabka iyo laamaha dowliga ah? Maxayse Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud Iyo Maxkammadda Gobalaka Banaadir u joojin karin musuqmaasuqa Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” iyo qoysaskiisa?

 Ha Wiqleyso! 

Muqdisho 26ka Juun 2024 waxaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dajiyay nin la sheegay inuu yahay gacan ku dhiigle baxsad ahaa, kaasoo si dhuumaleysi ah dalka uga baxsaday axaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dajiyay nin la sheegay inuu yahay gacan ku dhiigle baxsad ahaa, kaasoo si dhuumaleysi ah dalka uga baxsaday

”Hoggaanka xiriirka dibada ee booliiska Soomaaliyeed ayaa xogtiisa la wadaagay xafiisyada kala duwan ee Interpol, waxaana la ogaadey inuu ku nool yahay Kenya uu isticmaalay magaca Cabduqaadir Cumar Cali si aan loo aqoonsan, 21-06-2024 wuxuu tagay Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya, si uu u jarto dukumintiga u Safar dalkaaga (Go Home ), Wuxuuna ku jartey magac been abuurka ah ee Cabduqaadir Cumar Cali” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Booliiska Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee ninkaan baxsadka ahaa ee Booliiska Somaaliya gacanta ku dhigeen, ayaa la filayaa in Booliiska Soomaaliya kusii wareejiyo Maxkamadda gobolka Nugaal ee maamulka Puntland oo horey u codsatay in ninkaan loo soo gacan galiyo.

Ma ahan markii ugu horeysay oo wadashaqeyn noocaan oo kale ah ay dhexmarto Booliiska Caalamiga ee Interpol iyo Booliiska Soomaaliya.

Muqdisho 26ka Juun 2024  Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaliyeed S/Guuto, Sulub Axmed Firin ayaa xilka u kala wareejiyey Taliye ku xigeenkii hore ee Ciidanka Boliiska S/Guuto, Zakiya Xuseen Axmed iyo Taliyaha howlaha gaarka ah ahna Taliye ku xigeenka 2-aad Ciidanka Boliiska S/Guuto, Cabdalla Cabdalla Maxamed.

Xil-wareejintaan ayaa ka dhacday munaasabad kooban oo ka dhacday  Taliska Ciidanka Boliiska Soomaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa ugu mahadceliyey Taliye ku xigeenkii hore ee Boliiska Jeneraal Zakiya mudadii ay xilkaas ugu adeegaysay Bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey Taliyaha Howlaha gaarka ah, ahna Taliye xigeenka cusub ee Ciidanka Boliiska.

Taliye Sulub ayaa Cabdalla Cabdalla kula dardaarmay in uu horay u sii wado shaqada balaaran ee hortaala xafiiska loo magacaabay.

Arrinta aan faahfaahinta laga bixin ee shakiga abuurtay waa “Howlaha gaarka ah” oo Cabdalla Cabdalla loo magacaabay markii laga soo tago xafiiska uu kala wareegay Zakiya Xuseen.

Jeneraal Cabdalla Cabdalla waxaa darajada iyo xuquuqda ciidanimo ka xayuubiyey madaxweynihii hore ee dalka Farmaajo oo ku eedeeyey arrimo argagixiso iyo qiyaano qaran, balse Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u soo celiyey xuquuqdiisa ciidanimo.

Shakiga xilka “Howlgalka Gaarka ah” ee Cabdalla Cabdalla loo magacaabay wuxuu sii xoojinayaa shaki horay uga taagnaa “Hoggaanka Ciidanka gaarka ah” oo dhowaan laga dhex abuuray Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, howlaha hoggaanadaas ayaan ilaa hadda laga heyn wax faahfaahin ah.

Muqdisho 26ka Juun 2024 Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ka qeyb-galay munaasabadda 26-ka Juun oo ah maalinta xorriyadda gobollada Waqooyi ee dalka.

Madaxweynaha ayaa ku booriyay shacabka Soomaaliyeed in ay adkeystaan midnimada iyo madaxbannaanidooda, isagoo xusay in dowladdu ay ka go’an tahay, waajibna ay ku tahay ilaalinta qaranimada iyo jiritaanka Soomaaliya.

“Dad Soomaaliyeed oo meel intii ay ku tashadeen, kuna showray dadka waqooyi deggan ama qeyb ka mid ah aan layno ama aan la dirirno ma jiro,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu intaas kusii daray “Dowlad baan lahayn, dhibta iyo burburka dadka dhan buu ka soo wada gaaray, in uu idinka idiin badnaana waa qirsannahay, ma diidanin, waxaanba rabnaa in aad ka daawoowdaan.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si adag uga hadlay xad-gudubka dowladda Itoobiya ee ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya, waxa uuna sheegay in heshiiska aan sharciga ahayn ee dhex-maray Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya uu yahay mid si toos ah uga horimaanaya qaranimada iyo midnimada Soomaaliya.

“Arrinta aan diidannahay ma ahan horumar iyo iskaashi la soo kordhiyo ee waa in dhulkeenna la qaato. Mitir dhulkeenna ah in la qaatana ma ogalin. Shalay Dekedda Berbera annagu ma bixin, saas oo ay tahay kama daba hadlin, waayo waxaa noo muuqatay in aan la qaadanayn oo ay ahaanayso deked Soomaaliyeed, balse maanta arrinta taagan taas waa ka duwan tahay.”

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xuso halgankii gobollada Waqooyi ee Soomaaliya oo hadda loo yaqaano Somaliland ay ku bilaabeen xorriyadda dalka.

Waxa uuna bogaadiyay dadaalka iyo midnimada guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan sidii loo xaqiijin lahaa himilooyinka qaranka iyo hiigsiga ay inoo ka tageen aabeyaasheen.

Munaasabaddan dabaal-degga 26-ka Juun ayaa xalay lagu qabtay xarunta gobolka Banaadir, waxaana ka soo qeyb-galay madaxda dowlada, xildhibaano, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Muqdisho 26ka Juun 2024 Muddo 64 sano ayaa laga joogaa 26 June 1960 oo ku beegan maalintii ay Xornimada ka qaateen Ingiriska gobolada Waqooyi ee Soomaaliya, sidoo kalena aheyd markii ugu horeysay ee calan Soomaaliyeed laga taago dhul Soomaaliyeed. Munaasabadaasi waxaa iyadana xigtay kowdii Luulyo oo goboladii Koonfureed heeryadii gumeysigii Talyaaniga ka xoroobay iyo isku biiridii walaalahoodii Waqooyi, halkaasina ku abuurantay Jamhuuriyadii Soomaaliya.

Waayahaasi adkaa ee lasoo maray 64 sano kahor, Guushii Israacii iyo Midowga Gobollada Waqooyi iyo Koonfur 1960-kii waxay niyad jab ku noqotay xiligaasi Gumeystihii Ingiriiska oo markaasi dareemay wada jirka Soomaali ay dooneyso iney ku wada noolaadaan, waxaase Ingiriiska kasii darnaa Boqorkii Itoobiya ee Xeyle Sallaase oo markii uu maqlay Midowga Gobolada Waqooyi iyo Koonfur, beesha caalamka u muujiyay sida uu ugu xun yahay israaca labada Gobol.

Boqor Xeyle Sallaase kuma ekaan inuu ka xumaado kaliye israaca Muqdisho iyo Hargeysa wuxuu Midowgii Sofiyeeti iyo Mareykanka weydiistay taageero Milateri si uu uga gaashaanto halista ugu imaan karto Israaca Muqdisho iyo Hargeysa, wuxuuna ka dalbaday Xeyla Sallaase Mareykanka, Ingiriiska iyo Ruushka iney caqabad ku noqdaan israaca Labada Gobol.

Halgankaasi dheer ee loo soo maray iyo marxaladaha ay maleegeen Dowladdaha deriska iyo kuwa caalamka waxaa maanta horseedaya hadimadii Xeyla Sallaase oo kale mashruuca Federaalisimka ee lagu soo dhex tuuray Soomaalida, kuwa sida qaldana u adeegsanaaya oo ka biyo diidsan Soomaali mideysan awoodeedii leh, Laabtana ka jecel Gooni isu maamulka sida Somaliland.

Burburkii dawladnimadii Soomaaliya kadib, waxaa dalku uu soo maray marxalado kala duwan, burbur, hoggaamiye kooxeedyo, kooxo diineed iyo dowladdo jilicsan oo lugaha ay qabsadeen siyaasiyiin iyo maamul goboleedyo qabyaaladeysan ee magac ahaan badalay qabqablayaashii dagaalka iyo faragelinta shisheeyaha  iyo dalalka deriska.

Goboladii Waqooyi oo iyagana tashaday waxay ku dhawaaqeen inay yihiin dowlad madax bannaan oo 31 sano ay ku dhibtoonayaan aqoonsi aan ilaa weli u cadeyn inay helayaan.

Soomaaliya oo isla garatay in ay qaadato nidaamka Federalism-ka lagu soo dhex tuuray ee halbeeggana loogu dhigay maamul siyaasadeedka dalka ayaa wuxuu noqday mixno fidno ah ee la eeday. Asalkiisu wuxuu nooga yimid Shirkii Embagathi ee Meles Zenawi ku andacoonaayay inuu Soomaali halkaasi uga soo dhisay maamul federaal ah oo Ethiopia laga soo min guuriyay.

Soomaalida oo aan wax faham ah ugu bilaabnayn “Waa maxay Federalism, iyo what is Federal System” ayaa lagu yiri qaata isku maamula. Puntland oo ku andacoota inay tahay hooyadii Federaalka ayaa caqabada koowaad ee awood sheegashada iyo sida qaldan u fasiraneysay 14-kii sano lasoo dhaafay marna ku goodineysay inay tashan doonto.

Soomaaliyada maanta, waa kasoo kabaneysaa sidii hore, waxaa muuqato yadadiilo iyo horumar dhan walbo leh, waxaase aan la qaadan karin dastuurada qaldan ee maamulada habka qabiligi ku dhisan, arrimaha Federalismka iyo kala qeyb qeybsanaanta dowladda dhexe iyo maamulada qabiliga qaar ee Federalismka u arka xalkooda.

Ugu danbeyntii, 64 sano Soomaaliya oo xor ah, waxaa muuqata rajo aan horay u muuqan, inkastoo caqabada xiligaan jirta aanu dhihi karno amni darada ka imaaneysa kooxaha xagjirka dhiiga shacabka caadeystay inay daadiyaan iyo nidaamka musuqa ku dhisan ee weli dalka ka jira, balse dowladda bilowday inay la dirirto, waxaase muwaadinka Soomaaliyeed isweydiinayaa yaa la diriri doona madaxda sare ee musuqa ku macaashay?

Hambalyo 26- June iyo maalmaha Xorriyadda

Ali Muhiyaddiin

Soomaaliya 26ka Juun 2024  Madaxweynihii hore ee dowladda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay xuska 26-ka June, isaga oo shacabka ugu hambalyeeyay 64-guurada ka soo wareegtay markii xorriyadda qaateen gobollada waqooyi ee dalka oo hadda loo yaqaano Somaliand.

“Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo aad joogtaan waxaan idiin ku hambalyaynayaa xuska qiimaha badan ee 26-ka Juun oo ku aaddan 64-guurada ka soo wareegtay xorriyadda gobollada Waqooyi ee dalka” ayuu qoraalkiisa ku yiri madaxweynihii hore.

Intaas kadib Farmaajo ayaa ka hadlay xaaladaha kasoo cusboonaday dalka, gaar ahaan dagaal beeleedyada dib uga qarxay gobollo badan oo kamid ah dalka, wuxuuna ku baaqay in la joojiyo, kadibna ka xoojiyo midnimada, lana dhowro walaalnimada iyo darisnimada.

“Todobaadka Xoriyadda waxaa waajib ah in uu inoo horseedo midnimo, xoojiyana walaalnimada dhexdeenna ah, sidaas awgeed waxaan ku baaqayaa in la joojiyo colaadaha sokeeye ee maanta ka aloosan gobollo badan oo ka tirsan dalka” ayuu mar kale yiri.

Farmaajo ayaa sidoo kale dhammaan dadka Soomaaliyeed ka dalbaday inay xasuustaan halgamayaashii dalkan usoo huray naftooda, una u dueceeyaan, maadaama lagu jiro maalmaha xoriyadda ee 26-ka June iyo kowda Luulyo.

“Malaayiinta Soomaaliyeed ee ku nool gobanimada iyo xornimada waxaan ugu baaqayaa in ay u duceeyaan halgameyaashii inoo horseeday qarannimada, kuwaas oo ay ugu horreeyaan dhaq-dhaqaaqyadii dhallinyarada Soomaaliyeed ee u midoobey xoreynta dalka, iyaga oo ka fogaaday qabyaalad iyo eex” ayuu ku yiri qoraalka uu soo saaray Farmaajo.

Wxaa kale oo gabagabadii uu yiri “Hambalyo, sannadkan kiisa Alle ha ina ku gaarsiiyo nabad iyo barwaaqo”.

Xuska 26-ka June ayaa sanadkan kusoo aaday, ayada oo ay taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay heshiis ay Somaliland la gashay Itoobiya, kaas oo ay ka carootay dowladda Soomaaliya, waxaana sii xoogeystay khilaafka u dhexeeya Muqdisho iyo Hargeysa.

WARARKA MAANTA  25ka Juun 2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa noqday Madaxweynaha ugu beenta badan #Africa Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday in la sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday in dhiso #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa dagaalada dalka ka dhacaya Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday in la boobo hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa kala burburiyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday in dalka #Soomaaliya laga maamulo #Djibouti Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa 4000 oo dumar ah ka iibsaday Carabta Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inay shaqeeyaan dowlad gobaleedyada dalka Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso! 

Muqdisho 25ka Juun 2024 Dhacdo naxdin leh ayaa xalay laga soo weriyey degmada Deyniile ee gobolka Banaadir, kadib markii nin uu dilay Hooyadiis iyo Abtigiis.

Falkaan xanuunka badan ayaa ka dhacay xaafadda Warlaliska ee degmada Deyniile, waxaana geystay nin dhimirka ka xanuunsan.

Goobjoogayaal Caasimada Online uga waramay dhacdadaan ayaa sheegay in ninkaas uu dilka u adeegsaday Toorey, isla markaana uu Hooyadiis gowracay.

Abtigiis oo isku dayey inuu duqda badbaadiyo ayuu isna dilay, kadibna waxaa la sheegay inuu ag-seexday meydka Hooyadiis iyo Abtigiis.

Dadka deegaanka ayaa ku soo baxay guriga uu falkaani ka dhacay, kadibna waxaa la qabtay ninkii, iyadoo loo gacan geliyey hey’adaha ammaanka.

Sida ay noo sheegeen dadkii deriska la ahaa, ninka ayaa la’aa dhimirka iyo dhegaha, waxaana adkaatay in la ogaado sababta ku kaliftay inuu sameeyo falkaan argagaxa badan.

Ciidamada ammaanka ayaa sida la sheegay ninkii u kaxeeyey xarunta dembi baarista booliska ee CID-da, halkaas oo baaritaan adag uu uga bilowday.

Sidoo kale meydadka labadii marxuum ee uu dilay ayaa la geeyey CID, waxaana socda baaritaan lagu ogaanayo sababta ka dambeysay in ninkaasi uu halgoob ku dilo Hooyadiis iyo Abtigiis.

Adduunka 25ka Juun 2024 Aas-aasaha website-ka WikiLeaks, Julian Assange ayaa lagu wadaa in todobaadkaan uu qirto inuu danbi galay kuna xad-gudbay sharciga basaasnimada Mareykanka, qirashadaas oo uu ku baddalanayo in laga sii daayo xabsiga uu ku xiran yahay ee dalka Ingiriiska, kadibna dib loogu celin doono dalka uu u dhashay ee Australia.

Dacwad oogayaasha Mareykanka ayaa dukimintiyo ay shalay u gudbiyeen maxkamadda ku sheegay in Assange oo 52 jir ah uu ogolaaday in uu qirto dambiga kaliya ee lagu soo oogay oo ah in uu maleegayay in uu helo oo uu shaaciyo dukumeentiyada difaaca qaranka Mareykanka ee sirta ah.

Maxkamadeyntiisa ayaa aroornimada hore ee Arbacada berrito ah ka dhici doonta waqooyiga jasiiraddaha Mariana oo ee hoos yimaada dowladda Mareykanka, kuna yaalla waqooyiga-galbeed ee badda Baasifigga.Muddada todobada sano ee uu xirnaa ayaa la filayaa inuu loo xisaabiyo xabsi uu qaatay, kadibna la fasaxo.

Website-ka WikiLeaks ayaa sannadki 2010-kii baahiyay boqollaal kun oo dukumintiyo sir qaran ah oo uu leeyahay millatariga Mareykanka.

Dukumintiyadaasi ayaa u badnaa kuwa millatariga Mareykanka ee dagaalladi Afghanistan iyo Iraq. Dusinti sirta milatari ee Mareykanka ee Wikileakes ayaa noqday kugu ugu ballaarnaa ee taariikhda Mareykanka.

Assange ayaa marki hore sannadkii 2010-ki lagu xiray dalka Britain kadib marki ay maxkamad ku taalla Sweden u jartay waaran lagu soo qabanayo, kadib markii lagu eedeeyay danbi kufsi ah oo markii danbe laga laabtay.

Kadib ayuu u cararay oo uu iska dhiibay safaaradda Ecuador ee London, kalkaas oo uu ku noolaa muddo 7 sano ah. Ugu danbeyntii sannadki 2019-ki ayaa laga soo xiray safaaradda oo loo diray xabsiga Belmarsh ee magaalada London.

New York 25ka Juun 2024 Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa Isniintii ku eedeeyay ciidamada Itoobiya in ay si sharci darro ah ku soo galeen xuduudka ay wadaagaan, taasi oo keentay in ay iska hor yimaadaan ciidamada ammaanka ee deegaanka. 

Ugu yaraan 3,000 oo askari oo Itoobiyaan ah ayaa ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab oo ka talisa qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya. 

Illaa 5,000-7,000 oo askari oo kale oo Itoobiyaan ah ayaa ku sugan dhowr gobol, ayaga oo ku jooga heshiis ka baxsan ATMIS. 

Si kastaba, cutubyo ka tirsan askarta Itoobiya ayaa Sabtidii usoo tallaabay gobolka Hiiraan, ayaga oo sheegay in ay darsayaan halis ka iman karta kooxda Al-Shabaab, waxayna dib uga laabtee Axaddii, sida ay sheegeen qaar ka mid ah odayaasha deegaanka. 

Ciidamada Itoobiya iyo afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaan weli jawaab ka bixin arrintan. 

Danjire Abuukar Daahir Cusmaan ayaa sheegay in ‘dhacdooyinka’ Itoobiya ay ku qasabtay dalkiisa inuu dib u dhigo bixitaanka xigay ee ciidamada ATMIS ee bisha Luulyo oo hadda loo riixay September.

ATMIS ayaa waxaa la qorsheeyey in ay dalka ka wada baxaan 31-ka December, markaasi oo la filayo in lagu beddelo ciidamo kale oo ka tiro yar. 

Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa xumaaday bishii Janaayo ee sanadkan kadib markii Addis-Ababa ay heshiis badeed la gashay maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya. 

Heshiiska ayey Somaliland ugu ogolaatay dhul-badeed ay ka sameysato dekad iyo saldhig ciidan badeed, ayada oo dhaafsaneysa aqoonsi ay sheegtay inay ka heleyso Addis-Ababa, kaasi oo weli aysan xaqiijin Itoobiya. 

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo dhowaan wareysi siiyey wargeyska The Economist ayaa sheegay in dhul xeebaadkaas oo dhan 20x20km uu teedsanaan doono Lughaya illaa Bulhar, halkaasi oo Itoobiya ay ka dhisi doonto saldhig ciidamada badda ah. 

Dalal badan oo caalamka ah ayaa teegeero buuxda u muujiyey Soomaaliya, oo 6-dii June xubin aan joogto aheyn ka noqotay Golaha Ammaanka ee QM. 

Soomaaliya ayaa sidoo kale heshiis difaac la gashay Turkey kaasi oo dhigaya in Ankara ay ka ilaaliso cid kasta oo ku soo xadgudubta madax-banaanida iyo qarannimadeeda.

WARARKA MAANT6ka 24ka Juun 2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa daba dhigan raba weriye Macalin Lugeeya Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa dagaalka ka huriyey Gobalka Mudug  Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa raba inuu burburiyo Dowlad Koonfur Galbeed Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”?  Maxuu yahay dagaalada uu hurinaayo Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Maxuuse Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” u diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah?  Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee #Soomaaliya? Ha Wiqleyso! 

Muqdisho 24ka Juun 2024 Ku dhawaad 10 qof ayaa ku geeriyooday, halka 15 kalena ay ku dhaawacmeen dagaal labo maleyshiyo beeleed ku dhexmaray degaanka Labi Maygaag oo dhaca bariga gobolka Mudug. Labada maleyshiyo beeleed ee dagaalamaya ayaa kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug, wuxuuna dagaalku salka ku hayaa muran deegaanka ah iyo aanooyin qabiil oo isbiirsaday.

Guddoomiyayayaasha gobolka Mudug ee labada maamul, ayaa sheegay in awood ciidan loo adeegsandoono joojinta colaadda labada dhinac.

Waxay sheegeen in si degdeg ah ciidamo isku dhaf ah loogu diridoono halka ay colaaddu ka socoto.

Dagaalkii shalay oo saacado badan socday ayaa si iskiis ah u qaboobay, waxaana laga cabsi qabaa inuu maanta mar kale dib u bilowdo, iyadoo labada maleyshiyo beeleed ay wadaan abaabul ciidan.

Waxaa socda dadaalo ku aaddan sidii loo damin lahaa colaadda labada beel, taasoo galaafatay nolasha dad u badan dhinacyada dagaalamaya.

Galmudug  24ka Juun 2024 Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed goordhow ka qarxay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed oo hubeysan.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga soca deegaanka lagu magacaabo Taragaduud oo dhaca bariga gobolka Galgaduud, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka oo ah mid xoogan ku dhintay ugu yaraan hal qof oo shacab ah, halka uu ku dhaawacmay mid kale, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Xaaladda ayaa ah mid kacsan, waxaana sii xoogeysanaya dagaalka ayada oo gurmadyo ay helayaan labada beeleed oo kasoo kala jeeda magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Ceelgaras.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo ku aadan dagaalka ka qarxay aagga magaalada caasimada ah ee Dhuusamareeb.

Dagaalkan ayaa daba socda dil argagax leh oo shalay ka dhacay deegaanka Bulacle oo isna u dhow Dhuusamareeb, kaas oo loo gaystay Macallin Dugsi Qur’aan iyo xaaskiisa, waxaana lasoo wariyay inay dileen maleeshiyaad hubeysan oo kadib goobta isaga baxsaday.

Isku dhacyadan ayaa uga sii daraya xiisadaha colaadeed ee haatan ka jira gobollada dhexe, kuwaas oo noqday tusbax furtay oo kale, waxaana dhowaan dagaal lagu hoobtay uu ka dhacay duleedka Caabudwaaq, kaas oo hal maalin oo kaliya lagu dilay illlaa 50 qof.

Galmudug ayaa haatan wadda dadaallo dheeri ah, waxaana haatan gogol nabadeed oo uu dhigay  Qoor Qoor ay taallaa Dhuusamareeb, balse weli colaadda kasii dareysa

Ceeldheere 24ka Juun 2024 Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deeganka ee ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay nin ajanebi ah oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.

Ninkaan ayaa lagu qabtay deegaanka Mareeg oo ah deegaan ku yaalla xeebta, isla markaana hoos taga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Ciidanka Qaranka iyo kuwa xaq u dirirka ah ee deegaanka oo helay xogta dhagarqabaha ayaa howlgal baadi-goob ah ka sameeyay xeebaha gobolka Galgaduud, kuwaas gacanta kusoo dhigay ninkaan.

Saraakiisha Ciidamada ayaa Caasimada Online u sheegay in ninkaan uu ka mid yahay tiro maleeshiyaad ah oo ka lumay Khawaarijta markii ay ku jabeen dagaalkii dhawaan ka dhacay degmada Ceeldheer.

Dhowr habeen ayey ciidanku ku raad-joogeen ninka hadda la qabtay iyo labo kale, kuwaas oo go’doon ku ahaa howdka degmada Ceeldheer.

Ninkaan ayaa sheegay inuu ka soo jeedo dalka Yemen, sidoo kale wuxuu sheegay inay la socdeen labo nin oo mid Soomaali yahay, midna ka soo jeedo dalka Yemen, kuwaas oo maalmo badan ay duurka ku wadajireen.

Sida ay saraakiishu noo sheegeen waxaa duurka gaajo ugu geeriyooday labadii nin ee kale, xogta sheegeysa in raggii kale ay dhinteen waxaa saraakiisha ciidanka la wadaagay ninka la qabtay ee u dhashay dalka Yemen.

Muqdisho 24ka Juun 2024 Duulimaadyadii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayuu maanta dib u dhac ku yimid, maadaama roob xoog leh magaalada.

Sidoo kale ceeryaamo badan ayaa maanta qabsatay hawada magaalada Muqdisho, taas oo keentay in hawada Muqdisho ay diyaaraduhu soo geli waayaan.

Duulimaadyada caalamiga ah qaarkood ee Muqdisho ku soo wajahnaa ayaa loo weeciyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kala bar duulimaadyadii garoonka la joojiyay sababo la xiriira cimilada oo aan la filayn.

Roob aad u xoogan oo socday 10 saacadood ayaa Axadii maanta ka da’ay magaalada Muqdisho, kaas oo saameyn ku yeeshay isku socodka dadka iyo gaadiidka gudaha.

Saacadihii la soo dhaafay roob xoog leh oo ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa keenay in ay go’aan wadooyin muhiim ah, waxaana culeys weyn ku yimid isku socodka gaadiidka dadweynaha.

Wadooyin badan ayuu roobku biyo dhigay, halka kuwa kale uu burbur u geystay, waxaana la mari waayey wadooyinka qaar.

Wadooyinka burburay waxaa ka mid ah kuwo dhowaan la dhisay, waxaana ka dhalatay hadal-heyn oo ka socota baraha bulshada.

Qiimaha lagu raaco gaadiidka ayaa kordhay, waxaana yar gaadiidka dadweynaha ee maanta shaqeynayey.

Sidoo kale roobka ayaa saameeyey maanta imtixaanka dugsiyada sare ee socda Muqdisho, waxaana ardayda lagu daabulay gaadiidka ciidamada booliska ah.

Ruushka 24ka Juun 2024 n ka badan 15 askari oo boolis ah iyo dhowr qof oo rayid ah ayaa lagu dilay weerar ay malleeshiyo hubeysan shalay la beegsatay gobolka koofureed ee Jamhuuriyadda Dajestan ee dalka Ruushka.

Bayaan aroornimadi hore ee Isniinta maanta ah kasoo baxay guddoomiyaha Dajestan Sergei Melikov ayaa lagu sheegay in kooxda weerarka qaadday ay rasaas ku furtay kaniisad ay leeyihiin masiixiyiinta madhabta Ortodokis-ka iyo macbad ay dadka yahuudda ah ku leeyihiin halkaasi.

Weerarkan ayaa sidoo kale lagu eekeeyay bar koontarool oo ay leeyihiin ciidanka booliska. Guddiga qaran ee la-dagaallanka argagixsiada Ruushka ayaa weerarkii Axaddi ku tilmaamay fal argagixiso.

Gobolka Dajistan oo ka mid ah gobollada ay ku badanyihiin Muslimiinta Ruushka ayaa waxaa looga dhawaaqay saddex maalin oo baroor-diiq ah oo ka billaabmeysa maanta oo Isniin ah.

Weerarka ayaa ka dhacay caasimadda gobolka Dajestaan ee Makhachkala. Mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaan ilaa iyo hadda.

Muqdisho 24ka Juun 2024 Taliska ciidamada booliska Puntland ayaa ka warbixiyay howlgallo culus oo indhowaanahan ciidamada ammaanka ay ka wadeen gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, waxaana taliska uu shaaciyay natiijada laga gaaray.

Afhayeenka Booliska Puntland Gaashaanle Sare Xassan Cabdullahi Maxamed oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa sheegay in ujeedka howlgalladan uu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga, isla markaana ay ka gaareen guullo waa wayn.

Gaashaanle Sare Xassan Cabdullahi ayaa xusay in lagu guulaystay in ammaanka Garoowe uu ku soo laabto sidii looga bartay, isla markaana ay sii wadi doonaa howlgalladooda.

Sidoo kale waxa uu tilmaameen in howlgallada inta ay socdeen ay gacanta ku soo dhiigeen kooxo cabtooy ah, kuwa dhac u geysan jiray gaadiidka iyo shaqsiyaad watey hub sharci darro ah, wuxuuna tilmaamay in dhammaantood lala tiigsan doono sharciga.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa baaq u diray shacabka Puntland, gaar ahaan kuwa dhaqan magaalada Garoowe, wuxuuna ka codsaday inay ka gacan siiyaan amniga guud.

“Nolosha fureheedu waa in ammaan la helo, lama soo ganacsan karo, cid lama soo booqan karo waxkalena lama qabasan karo haddaan nabad lahelin, cidkasta oo dalkaan lexejeclo ka haysaana waa inuu la shaqeeyaa ciidanka”, ayuu yiri Afhayeenka boooliska Puntland.

Howlgalladan ayaa si wayn looga dareemay Garoowe, waxaana aad usoo dhaweeyay bulshada deegaanka oo u mahadceliyay ciidamada amniga iyo saraakiishooda.

Garoowe oo caasimad u ah Puntland ayaa kamid ah magaalooyinka ugu amniga wanaagsan Soomaaliya, waxaana howlgallo joogta ah ka sameeyay ciidamada ammaanka ee Puntland

Muqdisho 24ka Juun 2024 Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka heleyno ciidamadii Itoobiya ee Jimcihii lagu celiyey degmada Matabaan waxay sheegayaan in maanta ay dib ugu laabteen gudaha dalkaas.

Ciidankaan oo ka yimid gudaha Itoobiya ayaa Jimcihii waxaa celiyey ciidanka booliska Soomaaliya ee ku sugan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo hor istaagay kana dalbaday inay cadeeyaan sababta ay ugu gudbayaan Galmudug.

Saraakiil Soomaali ah oo ka timid dowlad deegaanka ayaa la socotay ciidankaas oo tiradiisa lagu qiyaasay ilaa 5,000 (shan kun), waxayna ku guul-dareysteen inay faahfaahin lagu qanco ka bixiyaan safarkooda, taasi oo sababtay in booliska Soomaaliya ay go’aankooda ku adkeystaan.

Ciidamada Itoobiya ayaa dib uga laabtay Matabaan markii loo diiday, waxayna maanta ka gudbeen deegaanka Kalabeyr oo 20 KM waqooyi ka xiga Beledweyne, iyagoo u jaheystay dhanka dalka Itoobiya.

Dadka ku nool deegaanka Feerfeer ayaa galabta sheegay in ciidankaas ay ka talaabeen xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya, isla markaana ay ku laabteen dalkooda oo markii hore ay ka yimaadeen.

Itoobiya ilaa hadda ma cadeyn sababta ciidankaas ay ugu soo dirtay Soomaaliya, dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ka gaabsatay in arintaas ay faahfaahin ka bixiso, markii laga reebo in ciidamada Soomaaliya lagu amray in Matabaan aysan ka gudbin ciidamada Itoobiyaanka ah.

Ciidamada Itoobiya ayaa dib uga laabtay Matabaan markii loo diiday, waxayna maanta ka gudbeen deegaanka Kalabeyr oo 20 KM waqooyi ka xiga Beledweyne, iyagoo u jaheystay dhanka dalka Itoobiya.

Dadka ku nool deegaanka Feerfeer ayaa galabta sheegay in ciidankaas ay ka talaabeen xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya, isla markaana ay ku laabteen dalkooda oo markii hore ay ka yimaadeen.

Itoobiya ilaa hadda ma cadeyn sababta ciidankaas ay ugu soo dirtay Soomaaliya, dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ka gaabsatay in arintaas ay faahfaahin ka bixiso, markii laga reebo in ciidamada Soomaaliya lagu amray in Matabaan aysan ka gudbin ciidamada Itoobiyaanka ah.

Hiiraan, Bay, Bakool, Gedo iyo qeybo ka mid ah Jubbada Hoose ayey Soomaaliya ka joogaan ciidamada Itoobiya, dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in bisha 12-aad ee sanadkana dalka laga saaro dhamaan ciidamada Itoobiya.

Muqdisho 24ka Juun 2024 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidamo horleh ka dajisay garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee magaalada Kismaayo, kuwaas oo ah guuto ka tirsan qaybta 43-aad ee ciidamada Xoogga dalka.

Ciidamadan oo aad u qalabeysan ayaa waxaa Kismaayo kusoo dhaweeyay saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta maamulka Jubbaland.

Ujeedka ciidamadan loo geeyay Kismaayo ayaa ah inay ka qayb-qaataan howlgallada xoereynta ee ka socda Jubbaland, waxayna xoojin doonaan ciidamada ku sugan halkaasi.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidamo horleh ka dajisay garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee magaalada Kismaayo, kuwaas oo ah guuto ka tirsan qaybta 43-aad ee ciidamada Xoogga dalka.

Ciidamadan oo aad u qalabeysan ayaa waxaa Kismaayo kusoo dhaweeyay saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta maamulka Jubbaland.

Ujeedka ciidamadan loo geeyay Kismaayo ayaa ah inay ka qayb-qaataan howlgallada xoereynta ee ka socda Jubbaland, waxayna xoojin doonaan ciidamada ku sugan halkaasi.

Fartaag ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada ay dhaq-dhaqaaqeen, kuna sii socdeen aagga degmada Badhaadhe oo hadda ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, waxaa dhawaan ciidamada huwanta ay la wareegeen deegaanka Buulo Xaaji oo 90 KM u jira magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

WARARKA MAANT6ka 23ka Juun 2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? U diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah? Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” u diiday inuu sameeyo #Maqaamka #Muqdisho? Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” u diiday inay shaqeeyaan golaha wasiiradda/xukuummadda Soomaaliya? Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” u ogolaaday inuu boobo asaga iyo xaasaskiisa hantida dadweynaha? Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” u faagay qabuuraha? Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” waxbaradii Shiinaha u siiyey gabadhiisa iyo wiilal uu adeer u yahay? Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” u diiday inay labada aqal si waafaqsan u shaqeeyaan? Maxay beesha caalamka u diiday inay wax dhaqaalo siiso Dowladda Soomaaliya? Ha Wiqleyso! 

Muqdisho 23ka Juun 2024 Golaha Qaramada Midoobay ayaa yeelan doona kulan xog-wareysi iyo wadatashi ah oo ku saabsan Soomaaliya.

Muqdisho 23ka Juun 2024 James Swan, oo ah ku simaha Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, iyo Mohammed El-Amine Souef, wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo madaxa ATMIS ayaa warbixin siin doona golaha Ammaanka.

Golaha Ammaanka ayaa lagu wadaa inay ka doodaan codsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dhismaha howlgalka cusub, xilli Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ay ka cago jiidayaan maalgalinta howlgalkan.

jimcaha ayay ahayd markii Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ay taageereen codsiga Soomaaliya ee ku saabsan in la dhiso howlgal cusub oo uu hoggaaminayo Midowga Afrika, ka dib marka uu dhamaado howgalka ATMIS.

Guddiga ammaanka iyo nabadda ee Midowga Afrika ayaa sheegay, in howlgalka cusub ee Midowga Afrika uu diiradda saari doono taageeridda dowladda federaalka ah si loo wiiqo awoodda Al-Shabaab iyo ka qayb qaadashada hawlgallada ka hortagga kooxaha argagixisanimada.

Muqdisho 23ka Juun 2024Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka HirShabeelle Sheekh Cismaan Barre ayaa dunuub adag ku eedeeyey Xildhibaan Cabdullahi Kulane Jiis, isagoo sheegay inuu dilay Guddoomiye Cabdiraxmaan Injineer Yariisow, Jeneraal Galaal, Ikraan Tahliil iyo Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi.

Wuxuu sheegay in shalay uu afkiisu soo qabtay Injineer Yariisow isagoo iska dhigay nin jaceyl walaalnimo u qabay, balse wuxuu sheegay in isagu uu wax ka soo qorsheeyey dilkiisa.

“Dhamaan dadka aan soo tiriyey waxaa dilkooda qorsheeyey dad qalatadii uu Kulane u adeegi jiray ee Farmaajo u weynaa, waxaan xaqiijinayaa in dadka aan soo tiriyey ay laayeen ragaas, waxaan maanta ku tilmaami lahaa dad qalato,” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Cismaan Barre.Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka HirShabeelle ayaa dowladda federaalka ka codsaday in Cabdullahi Kulane iyo raggii kale ee dilalka geystay xasaanadda laga qaado oo la maxkamadeeyo, isagoo sheegay inay ku cadyihiin dilalka dadkii uu soo tiriyey iyo kuwo kale oo la waayey.

Cabdullahi Kulane ayaa xalay ka hadalay qabuuraha ay Iskuul Buluusiya ka rareyso dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in Xasan Sheekh iyo kooxdiisa u uku dhacay qamaam, isla markaana ay dhacayaan cid kasta oo dhul leh.

Sheekh Cismaan Barre ayaa u jawaabay “War ina Kulanow qabuuraha aad ka hadleyso dadkii aad leysay ayaa ku duugan, qaar gacantaada ayaad ku dishay, qaarna adigaa sababay inay dhintaan, dhiig ayaad faraha kula jirtaa markaas ayaad qabuuro ka hadleysaa,” ayuu yiri.

Sidoo kale guddoomiye hore Sheekh Cismaan ayaa sheegay inay banaantahay in qabuurahaas Meesha laga saaro, maadaama dhulka ay u soo baahatay dowladda oo markii hore laheyd, Ahaana dhul danguud ah.

“Anigu culimada ayaan ka mid ahay, dhulkaas in la baneeyo waxaa fatwootay culimada, mana banana in meydka lagu duugo dhul aadan milkiyadiisa laheyn ama aan la waqfin, marka abaabulka ka dhaafa dadkaan dowladoodu waa ixtiraameysaaye, umadda Soomaaliyeed haka digtoonaato nimankaan,” ayuu yiri Sheekh Cismaan Barre.

Muqdisho 23ka Juun 2024 War-murtiyeed ka soo baxay Golaha Amniga ee Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in hawlgalka oo ay hugaamin doonaan Midowga Afrika uu noqon doono mid diiradda lagu saarayo, sidii Soomaaliya looga kaalmeyn lahaa baabi’inta ururka argagixisada ah ee al Shabaab.

Golaha Amniga ee Midowga Afrika ayaa sheegay in hawlgalkaan cusub uu si gooni ah u noqon doona “mid amni ku soo dabaala Soomaaliya, muhiimadiisuna tahay in lagu ilaaliyo dadka rayidka ah.”

Sidoo kale waxa uu sheegay golahaan in hawlgalku diiradda saari doono kaalmeynta amniga iyo xasiloonida Soomaaliya.

“Waqtiga iyo sharciyada hawlgalka ATMIS ka dib waa in uu ka turjumaa waaqaca amni iyo kan siyaasadeed ee Soomaaliya, lana siiyaa waqti macquul ah oo xaqiiqada ku qotoma,” ayaa lagu yiri warka.

Maxay uga dhigan tahay Soomaaliya?

Dawladda Soomaaliya ayaa horay u qorsheysay in ay dalka isaga baxaan ciidamada ATMIS, oo markii horaba hawlgalkooda loo sameeyay sidii hawlgalkii ka horeeyay ee Amisom uga bixi lahaa Soomaaliya, kadib markii dawladdu sheegtay in ay isku filnaasho ka gaartay dhanka la wareegista amniga iyo ciidamada.

Axmed Kaboole, oo ah khabiir ka faalooda amniga Soomaaliya ayaa qaba in Soomaaliya haatan ay wax badan iska badaleen marka la eego fursadaha ay u heli karto qalabeynta ciidamadeeda, maadaama dhawaan laga qaaday cunaqabteyntii hubka ee tobanaanka sano saarneed. Sidoo kale dhismaha ciidanka Soomaaliya ayuu sheegay in ay wax badan iska badaleen tan iyo markii uu bilowday hawlgalkii Amisom ee dhawr sano ka hor noqday ATMIS.

Balse waxa uu sheegay in aysan wali ciidamada Soomaaliya gaarin isku filnaasho buuxa oo ay ku haysan karaan guud ahaan dalka oo dhan, ama meelaha muhiimka u ah amniga qaranka.

“Wali waxaad moodaa in ay jirto baahidii iyo caawinaadii ay dawladda Soomaaliya u baahneed, inta ay ka qabsaneyso xuduudaha dalka oo dhan, dhismaha siyaasadda gudaha hanoqoto iyo la dagaalanka al-Shabaab,” ayuu yiri Kaboole.

Waxa uu sidoo kale xusay in khatarta ururka al Shabaab ay tahay mid wali taagan, sidaas daraadeedna ay tahay lagama maarmaan in la helo caawimaad dibadda ah.

Tan iyo markii hawlgalka ATMIS bilaabay in uu isaga baxo bilo ka hor Soomaaliya, ayaa waxa uu ku wareejiyay ciidamada Soomaaliya saldhigyo ku yaalla qaar ka mid ah gobolada dalka. Saldhigyadaas qaar ayaa waxaa weeraro ku qaaday al Shabaab, qaarkoodna waxa ay noqdeen kuwa aan cidina joogin.

Dawladda Soomaaliya oo aan isku daynay in aan wax ka waydiino mawqifkeeda ku aadan hawlgalkan cusub ee ay hormuudka ka tahay Midowga Afrika iyo waxa ay ka damacsan yihiin mustaqbalka ayaynan noo suuragalin inaan helno.

Midowga Afrika ayaa waxaa uu ka dalbaday Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay in ay kaalin ka qaataan sidii dhaqaale loogu helaa hawlgkaan si uu u noqdo mid taabo gal ah. Warka ayaa waxaa lagu sheegay in si loo geeyo Soomaaliya hawlgalkaan loo baahan doono, dhaqaale, qiimeyn, iyo xasilooni. Waxay sheegeen in codsigaan loo gudbindoono xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Golaha ayaa dhanka kale sii adkeeyay in ATMIS ay si habsami iyo taxadar leh uga bixi doonto Soomaaliya, iyada oo hawlgalka cusubi uu markiiba badali doono.

Dhanka kale waxay aad u adkeeyeen in Midowga Afrika uu doonayo in ay marwalba garab istaag u muujiyo Soomaaliya, kuna caawiyaan doonistooda nabad waarta, amni xasilooni iyo barwaaqo. Taas oo ay sheegeen in ay faa’iido ugu jirto geeska Afrika iyo qaaradda guud ahaanba.

Isha: BBC

Muqdisho 23ka Juun 2024 iran ayaa lagu eedeeyay inay gadaal ka riixayso isku dayga socda ee wada-shaqeyn ay ku yeelanayaan kooxda ay taageerto ee Xuutiyiinta Yemen iyo kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Sirdoonka Maraykanka ayaa dhowaan sheegay in ay ogaadeen in Xuutiyiinta Yemen ay ka wada hadleen sidii hub loo siin lahaa kooxda ka dagaalanta Soomaaliya ee Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan sirdoonka Maraykanka oo qariyay magacooda in la xuso ayaa hadda wakaaladda wararka ee AFP u  sheegay in Iiran ay qeyb ka tahay qorshaha Xuutiyiintu hub ku siin karaan kooxda Al-Shabaab.

Warbixin ayaa lagu sheegay in Iiran ay doonayso inay xoojiso saamaynteeda gacanta Cadan, si weerraro ka dhan Maraykanka looga geysto halkaas.

Maraykanka waxa uu sheegay in qorshaha Iiran ay ku doonayso in Xuutiyiintu ay al-Shabaab siiyaan ilo cusub oo hub ah, ay keeni karto in Al-Shabaab ay gacanta u galaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, si ay ugu weeraraan bartilmaameedyada Mareykanka.

Hadda, kooxda Soomaalida waxay heli karaan oo keliya gantaallo, hoobiyeyaal iyo miinooyin, oo ay u adeegsato dagaalka ay kula jirto dawladda Soomaaliya – hub yar balse dilaa ah. Xuutiyiinta, marka la barbardhigo, waxay haystaan hubka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka, oo ay ku jiraan kuwa biyaha hoostooda mara.

Mareykanka ayaa uga digayay dalalka gobolka iskaashigan suurtagalka ah toddobaadyadii la soo dhaafay, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka. Dalalka Afrika ayaa sidoo kale billaabay in ay si firfircoon ula soo xiriiraan Mareykanka, si ay u gudbiyaan walaacooda, oo ay u helaan macluumaad dheeraad ah.

“Tani waa wada hadallo joogto ah oo aan la yeelanayno dalalka labada dhinac ee Badda Cas,” ayuu yiri qof xog-ogaal ah. “Oo waxaa loo eegayaa si dhab ah.”

Heshiiska suurtagalka ah wuxuu dhaqaale cusub u yaboohi karaa Xuutiyiinta.

“Inaad awood u yeelato inaad iibiso hubka qaar waxay ku siineysaa dakhli aad loogu baahan yahay,” ayuu yiri sarkaalka sare oo ka tirsan maamulka madaxweyne Biden.

Dhanka al-Shabaab, waxay siin kartaa fursad ay ku hesho ilo cusub oo hub ah – oo ay ku jiraan suurta-galnimada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) – kuwaas oo aad uga casrisan hubkooda hadda, waxayna siin kartaa kooxda awood ay ku weeraraan bartilmaameedyada Mareykanka.

Muqdisho 23ka Juun 2024 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidamo horleh u dirtay gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya, kuwaas oo ka howlgeli doono gudaha degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Ciidamadan oo ah milatari ayaa laba diyaaradood lagu geeyay degmada Ceelwaaq, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen saraakiisha gobolka joogta iyo mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland.

Ujeedka ciidamadan ayaa ah inay ciidamada howlgalka ATMIS kala wareegaan fariisamaha ay ku leeyihiin magaaladaas oo la filayo inay ka baxaan.

Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee la wareegitaanka amniga Ceelwaaq ayaa haatan ka socota halkaasi waxaana goobta ku sugan madax ka socota Jubbaland iyo dowladda dhexe.

Ceelwaaq ayaa waxaa muddo dheer ku sugnaa ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS, kuwaas oo haatan baxaya, wuxuuna qorshahan qayb ka yahay bixista ATMIS.

Horay ciidamada shisheeye ayaa uga baxay xerooyin dhowr ah, waxaana ugu dambeysay oo ay maalin kahor banneeyeen saldhigyadii ay ku lahaayeen magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka HirShabelle.

Sida uu qorshuhu yahay dhammaadka sanadkan ayaa lagu wadaa inay dalka isaga baxayaan ciidamada ATMIS ee nabad ilaalinta u jooga dalka, waxaana beddeli doono ciidamo cusub, sida ay ku heshiiyeen dowladda federaalka iyo Ururka Midowga Afrika.

Howlgalka cusub oo ay hugaamin doonaan Midowga Afrika ayaa noqon doono mid diiradda lagu saarayo, sidii Soomaaliya looga kaalmeyn lahaa baabi’inta ururka Al-Shabaab.

Golaha Amniga ee Midowga Afrika ayaa sheegay in howlgalkaan uu si gooni ah u noqon doona “mid amni ku soo dabaala Soomaaliya, muhiimadiisuna tahay in lagu ilaaliyo dadka rayidka ah.”

Muqdisho 23ka Juun 2024 Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay dila argagax leh uu ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug, kaas oo loo gaystay Macallin Dugsi Qur’aan iyo xaaskiisa, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Allaha u naxariistee Macallinka iyo Xaaskiisa oo ku sugnaa gurigooda ayaa lagu dilay deegaan lagu magacaabo Bulacle oo hoostaga magaalada Dhuusamareeb.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in maleeshiyaad hubeysan ay toogasho ku dileen labada marxuum, iyaga oo ku dilay gogoshooda, waxayna kadib ka baxsadeen goobta.

Dilkan foosha xun ayaa lala xiriiriyay aano qabiil oo ka taagan deegaano dhaca bariga magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo ay isku geysanayaan beelaha wada daga halkaas.

Dhacdadan ayaa sidoo kale argagax ku reebtay dadka deegaanka, waxaana si aad ah looga hadal hayaa baraha bulshada, iyada oo dadweynuhu ay tilmaameen inay tahay wax laga xumaado.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray halka ay mashaqadu ka dhacday, waxaana haatan ay howlgallo lagu baadi goobayo maleeshiyaadka dhibaatada geystay ka bilaabeen agagaarka Dhuusamareeb.

Falkan argagaxa leh ayaa kusoo beegmay, ayada oo haatan Dhuusamareeb ay taallo gogol nabadeed oo ay dhigtay Galmudug, taas oo lagu heshiisinayo beelo dhowaan ku dagaalamay waqooyiga gobolka Galgaduud, kuwaas oo ay iska dilay in ka badan 50 qof.

Gobollada dhexe ee dalka ayaa waxaa ku badan colaadaha beelaha, waxaana horay dhacdo tan lamid ah ay uga dhacday isla gobolka Galgaduud, kadib markii lagu dilay Macallin Dugsi Qur’aan iyo Dhaqtar walaalo ahaa, inkastoo lasoo soo qabtay raggii ka dambeeyay dilkaasi oo la maxkamadeeyay, kadibna ay dil toogasho ku fulisay Galmudug.

WARARKA MAANT6ka 21ka Juun 2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud “Dhuuso-Fooxiye” Iyo Madaxweyne Mudane Ismaaciil Cumar Geelle “”Tuug-Daba-weyne” u diideen inay Marwo Fooxiya Xaaji Aaadan u tartanto Guddoomiyaha Midowga #Africa? Maxay tahay sababta #Djibouti ay u diiday inay #Soomaaliya noqoto Guddoomiyaha Midowga Afrika sida ay fashishay Marwo Foosiya Xaaji Aaadan? Yaa runta ka qarin kara Ummadda Soomaaliyeed? Maxayse laba aqal ee dalka #Soomaaliya ka samayn doonaan fadeexadan siyaasaddeed ee #Djibouti ku samaysay #Soomaaliya markii labaad? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammad Dastuuri ah? Yaa diiday inuu sameeyo #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”?  Ha Wiqleyso! 

ATMISSomalia 21ka Juun 2024Ururka Midowga Afrika ayaa darsaya codsi uga yimid dowladda Soomaaliya, kaasoo ah in la dhimo ka bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS.

Sarkaal ka tirsan Midowga Afrika oo codsaday inaan magaciisa la sheegin ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in bishii May ee sannadkan ay dowladda Soomaaliya ka codsatay golaha nabadda iyo ammaanka ee ururka (PSC) in muddo saddex bilood ah lagu kordhiyo muddada kala bar bixitaanka ciidamada.

Dowladda Soomaaliya waxa ay dooneysaa in 2,000 oo askari oo kaliya ay baxaan bisha June, halka 2,000 oo kalena ay ka baxaan bisha September.

Sarkaal katirsan dowlaadda Soomaaliya ayaa u sheegay AFP, in xukuumadda Muqdisho ay soo bandhigtay baahida loo qabo in la qaado howlgal duulaan ah.

Waqti xaadirkan, 13,500 oo askari oo ATMIS ah ayaa ku sugan Soomaaliya.

Kulan ka dhacaya Addis Ababa, ayaa guddiga ammaanka iyo nabadda ee Midowga Afrika (PSC) la filayaa inay ka bixiyaan jawaab ku aaddan codsiga Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Qaramada Midoobay ayaa doonaysa in ciidamada ATMIS laga dhigo eber ugu dambeyn 31-ka December iyadoo loo marayo marxalado kala duwan oo dalka laga saarayo, iyadoo amniga lagu wareejinayo ciidamada iyo booliiska Soomaaliya.

Muqdisho 21ka Juun 2024 Dadka deggan degaanka Xamar iyo agagaarkiisa ee goofleyda ah ayaa waxay sannadkiiba mar qabtaan kulan isu soo bax ah, oo loo yaqaan Sano, oo ay bulshada ku damaashaaddo, kaas oo ay xoolo ku qashaan.  

Laakiin sannadkaan waa ka duwaneyd kuwii hore, waayo xildhibaanka beelaha dega Banadir iyo labada Shabeelle xildhibaan Cisman Xaadoole ayaa kulankii Sanada ballaariyey oo ku casuumay xildhibaanno, culimo, duubab iyo masuuliyiin dowladda ka tirsan balse aan horay uga soo qeyb gali jirin.  

Xildhibaanka oo si dhab ah u qaatay macnaha xildhibaannimo iyo metelaadda laga rabo xildhibaan umadeed, taas oo ah inuu yahay ruux ka wakiil ah bulshada uu matalo ayaa isu keenay dadkii ugu badnaa ee sannahaan ka soo qeyb gala kulan sannadeedka loo yaqaanno badgalka laguna duceysto inuu Rabbi bulahsdaan ka badbaadiyo masiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa dad sameega ah.  

Kulan dhaqameedkan waxaa uu ka mid yahay kulamada la isugu soo dhoweeyo bulshada degaankan Xamar iyo Shabeelloyinka ee uu xildhibaanka u yahay Cisman Xaadoole, si ay uga tashadaan aayahooda kuna xalliyaan khilaafaadka nolosha ka dhasha.  

Xildhibaanka, Col. Cisman Xaadole, ayaa muujiyey hogaamin qiimo leh oo aad loogu baahnaa, waxaanu ku mashquulsan yahay sidii loo dhameyn lahaa khilaafaadka yaryar ee ka dhexjiri kara beelaha walaalaha ah ee degaankaan camira Muqdishana u ah dhidibada ay ku taagan tahay iyo nolosha farxadeed ee lagula naaloonayo.

Xildhibaanka oo dad aad u fara badan meel fagaare ah kula hadlayey ayaaa u sheegay inay gacmaha is qabsadaan una hawlgalaan sidii loo dhisi lahaa qaran Soomaaliyeed oo mug leh, kaas oo la hubo inay cid waliba ku dheefsan doonto. 

Xildhibaanka waxaa uu bulshada ku boorriyey inay gartaan awooddooda, ilaaliyaan dhaqanka suuban, dowladdana la shaqeeyaan si ammaanka loo sugo.

Xaadoole waxa uu dadkaas faraha badan u sheegay inay haystaan metelaad dhab oo uusan ka seexanayn inta qof dadka uu matalo uu hayo dhibBulshadii ka soo qeyb gashay Sanada ayaa aad uga maqsuuday kulankii sanadkan la qabtay..

Muqdisho 21ka Juun 2024  Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa hoggaamiyaha maamulka HirShabelle loo doortay 11-kii bisha Novermber 2020, waxaana muddo xileedkiisa saxda ka ah ka dhiman afar bilood iyo labaatan cisho.

Waa hoggaamiye goboleedka qura ee maanta haysta muddo xileed xalaal, marka laga reebo Saciid Cabdullaahi Deni oo dib loo doortay.

Madaxda Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland waa dhaafeen sanadihii saxda ahaa ee loo doortay, qaar ayaa isku dayay inay iskugu daraan iyagoo marawya golahooda wakiiladda, laakiin taasi sharci ma ahan, bulsho ahaan iyo siyaasad ahaanna loogama heshiinin.

Dalka hadda wuxuu ku jiraa jahwareer doorasho oo heer maamul goboleed ah. Ma cadda waxa qabsoomi doona doorasho qof iyo cod ah iyo mid dadban.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan la kulmay madaxda maamullada waa u sheegi waayay war cad oo aan aheyn iska jooga sharci la’aan, taasina waxay kasoo horjeeda dastuurka dalka iyo wax walba oo umadda Soomaaliyeed ku heshiisay.

Madaxda mamullada qaar maanta iskuma dayi karaan inay dhisaan guddi doorasho oo iyagu go’aankooda leeyihiin oo waxaa ka hor imaan karta dowladda dhexe iyo dadka raadinaya kuraasta maamul goboleedyada.

Waxaa ku filan in la yiraahdo ma haysataan sharciyo aad ku dhistaan guddi doorasho oo waqtigii waa idinka dhamaaday, waxaana la siman tihiin daneeyayaasha kale ee doorashada.

Halkaas waxaa ka dhalan doonta in xitaa haddii la aadayo doorasho dadban in wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ah inay la wareegto maamulka doorashada qaar kamid ah maamul goboleedyada.

Balse Cali Guudlaawe dhowrka billood ee soo socota waa budo gaar u tuman, wuxuu awoodda inuu iska diido in uu sharci darro sameeyo oo muddo kororsi qaato, taas oo sharaf iyo fursadba u ah.

Wuxuu maanta awoodda Cali Guudlaawe inuu dhiso guddigii doorashada maamulka HirShabelle, wuxuu kale oo kari karaa inuu waqtigeeda ku qabto doorashada. Haddii uu halkaasi ka baxo wuxuu noqonaya midka maamulaya doorashadiisa, mid sharciyaddii ilaaliyay iyo nin fursad u haysta inuu kursiga kusoo laabto.

Laakiin haddii la dhaafo 11-ka bisha Novermber ee 2024 Cali Guudlaawe waxba gacanta uguma jiraan, wuxuuna lamid noqon doona madaxda kale ee maamullada ee sharci la’aanta ku fadhiya kuraasta. Wuxuuna gunaanadka magan u noqon doona inuu sugo jihada uu rabo madaxweyne Xasan Sheekh inay wax ku dhamaadan.

Dhanka madaxweyne Xasan Sheekh waxaa jira warar sheegaya inuu rabo in kursiga madaxtinimada HirShabelle loo celiyo reer Beledweyne, halka Cali Guudlaawe iyo xisaab beeleedkiisa hoosena ay ku adkeysanayaa inay xilka madaxtinimada HirShabelle ku faro adeygaan oo Xasan Sheekh laga yeelin qorshihiisa.

Haddii Cali Guudlaawe midda dambe muhiim u arko fursaddiisa waxay ku jirtaa sida uu u dhaqmo 120 maalmood ee soo aadan oo ay weli taladu sharciyan gacantiisa ku jirto.

Tusaalaha ugu dhow ee Cali Guudlaawe uu heli karo waa Saciid Cabdullaahi Deni, kaas oo xilli dambe fahmay inay mucaaradkiisa rabeen inay dhaafiyaan muddo xileedka sharciga ah, kadibna kula dhagaan awoodda iyo doorashadaba maadaama uusan sharciyad haysan.

Laakiin Deni waa isbad-baadiyay oo maalmihii u haray ayuu doorashada ku qabtay, taas oo u dhashay inuu dib ugu soo laabto xafiiska.

Sida uu Cali Guudlaawe u dhaqmi doono iyo shax siyaasadeedka uu ciyaari doono 120 cisho ee soo aadan ayaa hadda indhaha lagu hayaa.

Muqdisho 21ka Juun 2024 Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka jawaabtay warbixintii shalay soo baxday ee lagu sheegay in ay dooneyso in ay tartiibiso qorshaha bixitaanka ciidamada ATMIS ee jooga Soomaaliya. 

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa qortay in dowladda Soomaaliya ay warqad ay bishii hore u dirtay ku-simaha guddoomiyaha golaha nabadda iyo ammaanka Midowga Afrika ay kaga codsatay in illaa bisha September dib loo dhigo bixitaanka bar ka mid ah 4,000 oo askari oo lagu waday inay baxaan dhammaadka bishan June.    

Si kastaba La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macallin ayaa sheegay in wax-ka-bedelka jadwalka bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta inay tahay mid farsamo, isaga oo ka badbadin ku tilmaamay in qorshahan la xiriiro cabsi laga qabo dib usoo kaca Al-Shabaab. 

Waxa uu ku tilmaamay qorshaha in uu yahay mid looga fogaanayo faaruq farsamo xilliga kala-guurka. 

Midowga Yurub iyo Mareykanka, oo ah labada maal-geliye ee uga sarreeyaa ee ciidamada ATMIS, ayaa lagu warramay in ay doonayaan in la dhimo tirada nabad-ilaaliyaasha sababo la xiriira walaacyo laga qabo maal-gelintooda mustaqbalka, sida ay sheegeen afar ilo-wareed diblomaasi iyo sarkaal Ugandan ah.  

Wada-hadallada ku saabsan ciidamada cusub ayaa noqday kuwa adag, ayada oo Midowga Afrika uu doonayey sharciyad ka xoog badan kan ay Soomaaliya ogoshahay, sida ay sheegeen ilo-wareedyo. 

Sidoo kale, khilaaf ayaa hoggaamin kara in ciidamada Itoobiya oo qeyb ka ah howlgalka ay dalka ka baxaan. 

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Mohamed El-Amine Souef ayaa sheegay in uusan jirin jadwal go’an oo ku aadan soo geba-gebeynta wada-hadallada, balse dhammaan dhinacyada ay ka go’an tahay in ay gaaran heshiis caawin kara in lagu guuleysto nabad iyo amni.

“Midowga Afrika iyo dowladda Soomaaliya waxay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay hoos u dhigista dhimista si looga hortago firaaq kasta oo amni,” ayuu u sheegay Reuters. 

Muqdisho 21ka Juun 2024 Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa kulan muhiim ah la qaatay safiirro ka socday dalalka Midowga Yurub, kuwaasi oo ballan-qaad horleh u sameeyay Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay arrimaha amniga, cirib,tirka Al-Shabaab, arrimaha bini’aadantinimada, xasilinta iyo mashaariicda horumarinta.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in dowladda guulo waawayn ka gaartay dhinacyada amniga gudaha iyo howl-galada wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu uga warbixiyay dadaallada adeegga lagu gaarsiinayo shacabka Soomaaliyeed ee iska xoreeyey heeryada kooxaha argagixisada oo ugu horreyso Al-Shabaab.

Dhankooda safiirrada ayaa qiray guulaha wax-ku-oolka ah ee dowladu ka gaartay dhinacyada amniga gudaha iyo horumarinta arrimaha bulshada.

Waxay ballan-qaadeen inay dowladda Soomaaliya ka taageerayaan howl-gallada dalka looga xoreynayo Al-Shabaab, oo hadda dhiig cusub lagu shubayo, si loo dardar-geliyo dagaalka, looguna gudbo wejiga labaad oo ka xoog badan midkan hore.

Safiirrada kulanka la yeeshay ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa kala ahaa Safiirka EU Karin Johansson, safiirka Italy Dacco Coppi, safiirka Germany Sebastian Groth, iyo safiirka Sweden Joachim Waern.

WARARKA MAANT6ka 20ka Juun 2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa xukumma #Soomaaliya ? Maxaweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdii “OG-360 Daweeye” Iyo Gudoomiya Aadan Madobe “Kintir-Uriye” Yaa ku haysta xukunka dalka? Madaxweyne Mudane Shiikh Shariif “”Kintir-Nuuge” Iyo Madaxweyne Mudane Farmaajo “Shito-Dhaqe” Iyo Saxiibkkisa Fahad Yaasin “Daba-Naasle”.Yaa Soomaaliya ka dhiga dalka ugu musuqmaasuqa badan? Madaxweyne Gobaleedyada Iyo Ummadda Soomaaliyeed ee aaminsan inay qabyaalad iyo qurun kaga faa’iidi karaan dhaca hantida dadweynaha marka yaa masuul ka ah in madax hore ugu guul-daraystay inay madax iyo hoggaan u noqdaan dadka Soomaaliyeed? Ha Wiqleyso! 

Muqdisho  20ka Juun 2024 Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbalanad Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo la xiriirta maamulka degmada Baardheere ee gobolka Gedo, isaga oo sameeyay xilka qaadis iyo magacaabis.

Axmed Madoobe oo wareegto soo saaray ayaa maamul cusub u magacaabay Baardheere, isaga oo xilal kii ka qaaday mas’uuliyiintii hore ee degmadaasi.

Aadan Muxumed Axmed ayaa loo magacaabay guddoomiyaha degmada Baardheere, halka ku xigeenna loo magacaabay Mudane Saleebaan Cabdi Badal, sida lagu sheegay wareegtada.

“Magacaabistani waxay dhaqan galaysaa marka uu Madaxweynuhu sixiixo wuuna sixiixay” ayaa lagu yiri wareegtada soo kasoo baxday xafiiska Axmed Madoobe.

Halkan hoose ka akhriso:-

MADAXWEYNAHA JUBALAND OO MAGACAABAY GUDOOMIYAHA IYO GUDOOMIYE KU XIGEENKA DEGMADA BAARDHEERE.

UJEEDDO: MAGACAABIS GUDOOMIYAHA IYO GUDOOMIYE KU XIGEENKA DEGMADA BAARDHEERE.

Tix-raac: XM/DGJS/066/2024

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Markuu arkay Dastuurka Dowladda Jubaland, Cutubkiisa 4aad,
Qodobka 72 aad, Farqada (5aad) ee ku aadan
awooda madaxweynaha ee magacaabida Golaha
Fulinta.

Markuu latashaday Madaxweyne Ku-xigeenada Dowladda Jubaland.

Wuxuu u magacaabay Mudane Adan Muxumed Axmed Gudoomiyaha Degmada Baardheere.

Waxaa kale oo Madaxweynahu u Magacaabay Mudane Saleeban Cabdi Badal Gudoomiye ku xigeenka Degmada Baardheere.

Magacaabistani waxay dhaqan galaysaa marka uu Madaxweynuhu sixiixo wuuna sixiixay.

DHAMMAAAAD.

Nairobi  20ka Juun 2024Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kooxo hubeysan oo xalay hoteel ku yaalla magaalada Nairobi ka kaxeystay laba xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed ka waday gudaha magaaladaasi.

Xildhibaanada la watay ayaa kala ah Xildhibaan Xasan Cabdinuur iyo Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin oo labaduba ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, waxaana gaari ku ritay rag hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin laamaha ammaanka dalka Kenya.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u sheegay in labada xildhibaan oo kasoo baxay hoteelka lagu hor-jaray gaari, kadibna lagu qasbay inay xoog ku raacaan, waxaana halkaas lagu waydiiyau su’aallo dheeraad ah.

Intaasi kadib waxaa lasoo wariyay in labada xildhibaan lasii daayay oo ay dib u heleen xoriyaddooda, laakiin ragga watay iskuma sheegin waxa ay ahaayeen iyo ujeedkooda.

Su’aalaha wax laga waydiiyay ayaa ku saabsanaa dhaq-dhaqaaqooda oo la sheegay inay uga soo horjeedaan hoggaanka dowladda federaalka, ayna ku howlan yihiin abaabulka mooshin, sida ay ku warrameen ilo xog ogaal ah.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka Kenya iyo dhanka dowladda Soomaaliya oo ku aadan falka lagula dhaqaaqay xildhibaannadaasi.

Arrintan ayaa walaac xoogan ku abuurtay xildhibaannada iyo xubnaha ku sugan dalka Kenya oo qaarkood dagan gudaha dalkaasi.

Nairobi ayaa waxaa ku sugan siyaasiyiin badan, waxaana magaaladaan shirar ku qabsada xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo madaxda sare ee dowladda dhexe.

Muqdisho  20ka Juun 2024 Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta la hor keenay nin ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo dilay Nabadoon caan aha aiyo askari ka tirsanaa booliska Soomaaliya, dilalkaas ayaa ka dhacay Muqdisho, waxaana maqan 3 nin oo kale oo dilalkaas wax ka geystay.

Cabdi Cabdulqaadir Maxamed ayaa lagu magacaabaa dilaaga maanta la maxkamadeeyey, waxaana yaab leh sida ay dilalkaas u geysteen, maadaama ay isticmaaleen aalado casri ah, si ay u raadsadaan dadka ay dilayaan.

Google Map, waa aalada ay adeegsadeen ragga uu ku jiray ninkaan maanta la maxkamadeeyey iyo ragga maqan, in la qabto Cabdi waxaa fududeeyey dhaawac soo gaaray markii ay dilka geysanayeen.

“Nabadoon iyo askari istaaf u ahaa ayuu dilay ninkaan, sidoo kale askari kale ayuu Ex control ku dilay, 3 qof dilkood ayuu qirtay ninkaan, Nabadoonka waxay ku dileen deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho,” ayuu yiri Xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamadda ciidamada oo ninkaas dacwadda ku soo oogay.

Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in Nabadoonka xiliga la dilay uu gargaar u qeybinayey qoysas danyar ah oo ku nool duleedka Muqdisho, “wuxuu ahaa nin darajo iyo maamuus leh, halkaas wuxuu u tegay caawinta bulshada, wanigaa dilay nin dhahaya ayaa maanta na horfadhiya, arxan daradaas ayuu cadeystay Cabdi,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxaa la soo qabtay oo maxkamadda la hor keenay ninkii Mooto Bajaaj-ta ku qaaday Cabdi oo dhaawac uu u geystay askarigii la socday nabadoonka la dilay, kaas oo isna dhintay, waxaana la qabtay Mootada uu sii dhaafeysa Ceelsha Biyaha, si ninka Nabadoonka dilay loo fakiyo. Ninka waday Mooto Bajaaj-ta waxaa ku cadaatay in markiisii hore uu ka yimid Al-Shabaab oo waalidkiis ay u gadeen Mooto Bajaaj uu Muqdisho uga shaqeysto, balse si hoose ayuu ugu laabtay kooxdii, siu u ula shaqeeyo, wuxuuna deg deg ugu gurmaday ninkaan loo heysto dilkii nabadoonka oo dhaawac culus uu u geystay askari la socday nabadoonka oo isna halkaas ku dhintay.

Muqdisho  20ka Juun 2024 Sida ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta dalka Maraykanka oo soo xiganaya saraakiil Maraykanka ah, waxaa sii kordhaya khatarta ay leeyihiin Daacishta Soomaaliya, iyaga oo tilmaamay in ay hoy u noqoneyso hugaamiyaasha caalamiga ah ee ururkan argagixisada ah. 

Warkaan ayaa ku soo aadaya xilli dawladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ay duqaymo ka fuliyeen buuraha ay ku sugan yihiin kooxdaas, ee ku yaalla bariga Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ee magacooda loo soo gaabiyo Africom ay sheegeen dhawaan, in ay mid ka mid ah weeraradii dhinaca cirka ahaa ee lagu qaaday kooxda lagu bartilmaameedsaday ninka ugu sareeya kooxda garabkooda Soomaaliya Cabdulqaadir Muumin. 

Balse ilaa iyo haatan ayaan jirin cid si madax banaan u xaqiijin karta nolosha ama geerida hugaamiyaha garabka Soomaaliya ee ururka qaybtooda Soomaaliya. 

Sarkaal sirdoon oo xog badan bixiyey 

Sarkaal horay u soo hugaamiyay sirdoonka Puntland, oo naga codsaday in aynaan magaciisa baahin ayaa sheegay in awoodda kooxda Daacish ay isi soo tareysay tani iyo sanadkii 2018 kii, ayna saldhigteen buuraha Cal-bari, halkaas oo ay dagaalo adag kula galeen ururka al Shabaab ee xulufada la ah al Qaacida.

Tan iyo sanadkii 2023 dii ayaa waxa uu sheegay in ay socdeen dagaaladaas, kadibna ay xaqiijiyeen in ay heli karaan aag amni ah oo ay si nabdoon ku joogi karaan madaxda ururka ee Soomaaliya. Waxa uu sheegay sarkaalkaan in khatarta ugu wayn ee Daacishta Soomaaliya ay ahayd dagaallo uga imaan kara dhanka Shabaabka oo ay ka awood roonaadeen, sidaas daraadeedna ay haatan ku jiraan xaalad xasiloon oo u suuragalin karta in madaxdoodu ay si amni ah ku joogi karaan buuraha.

Axmed Kaboole oo isna ka faalooda amniga Soomaaliya ayaa waxa uu qabaa in buuraha Puntland ay haatan yihiin halka ugu adag ay heli karaan kooxdu, ayna mar walba iyaga oo ka soo talaabaya dhinaca badda ay madaxdooda Bariga dhexe ku soo jabay ay imaan karaan Soomaaliya.

“Saldhig waxay u yihiin bariga Afrika maadaama ay ku soo jabeen Siiriya iyo Ciraaq,” ayuu yiri Kaboole.

Dhanka kale sarkaalkaan horay u soo hugaamiyay sirdoonka Puntland ayaa sheegay in xogaha sirdoon ee uu hayo ay sheegayaan in tirada ugu badan ee xubnaha kooxda ee ku sugan Soomaaliya ay yihiin ajanabi.

“Nimankaan Daacish…boqolkiiba in ka badan ama ku dhaw lixdan waa ajaanib, ma aha Soomaali”, ayuu yiri sarkaal oo ka hadlayay Daacishta ku sugan aagga Puntland.

Marar badan ayuu dawlad goboleedka Puntland aad isugu dayay in ay ka sifeeyaan buuraha ay uga sugan yihiin deeganadooda sida uu sheegay sarkaalku balse uma aysan suuragalin.

“Dagaalo badan bay xitaa la galeen ciidamada [Puntland], ilaa saddex dagaal baa la galay xilligaan Deni,” ayuu yiri sarkaalka oo la hadlayay BBC da.

Kooxda ayaa sidoo kale waxay dhaqdhaqaaqyo ka sameysaa Koonfurta Soomaaliya, iyada oo marar badan sheegatay qaraxyo iyo dilal ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ururka ayaa sidoo kale weeraro uu ka gaystay deegaanada gobolka Bari gaar ahaan caasimadiisa Boosaaso waxa uu ku dilay ganacsato badan, sarkaalka ayaa sheegay in weeradaas kadib ay dhaqaalo ka aruuriyeen deegaanka, kuwaas oo ay u adeegsadeen maalgalinta weeraro kale oo ay ka geysteen Soomaaliya.

Muqdisho  20a Juun 2024 Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 9 eedeysane oo loo heysto falal isugu jira dil, dhaawac iyo dhac ay u geysteen dadweynaha ku nool caasimadda Muqdisho.

“Eedeysanayaashaan waxaan ku jira shabakado abaabulan, waxaa ku socota baaris, waxaana la horgeyn doonaa Maxkamadda awooda u leh,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Ragga lasoo bandhigay qaarkood waa odayaal, sidoo kale intooda badan waxay ku hubeysan yihiin tuutaha ciidamada dowladda iyo qoryo AK 47 aRagga qaar waxaa loo heystaa dilal, balse lama shaacin cidda ay dileen iyo sababta ay u dileen, si gaar ah ninka ugu weyn iyo kan ugu yar ayaa loo heystaa dilalka.

Sidoo kale ragga qaar waxaa lagu shaaciyey qoraalkaan inay ka tirsan yihiin ciidamada dowladda, gaar ahaan militeriga.

Sawirrada 9-kaan eedeysane oo magacyadooda iyo dunuubta loo heysto lagu soo dul qoray ayuu baahiyey booliska Soomaaliya oo gacanta ku haya ragaas.

Hirshabelle  20a Juun 2024 Madaxweynaha HirShabeelel Cali Guudlaawa ayaa lagala wareegay mashruuc muhiim ah oo hay’adaha Qaramada Midoobe ay ka fulinayaan gobolka Shabeellaha Dhexe kadib faro-gelin ka timid xafiiska ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. 

Mashruuca Jowhar offstream Storage Programme (JOSP), oo loogu talo-galay in biyo xireeno iyo kanaalo looga sameeyo webiga Shabeelle ee mara gobolka ayaa waxaa wejigiisa koowaad ku kacaya $165 milyan, isagoo guud ahaan ay ku bixi doonto $250 Milyan.

Waxaa mashruuca maal-gelinaya USAID iyo UKAID, waxaana fulinaya shan hay’ad oo kal ah FAO, IOM, UNIDO, UN Habitat, UNEP. 

Mashruucan ayaa waxaa ka wada shaqeeyey diyaarintiisa maamulka HirShabeelle iyo hay’adaha maal-gelinaya, waxaana si buuxda gacanta ugu hayey xafiiska madaxweyne Guudlaawe, sida ay xog ku heshay Caasimada Online. 

Hase yeeshee, xilli la filayey in Guudlaawe uu magacaabo mas’uulka maareyn lahaa mashruuca, ayaa waxaa soo faro-geliyey shaqsiyaad ka tirsan xafiiska Xamza, gaar ahaan Axmed Nuur Uleex oo ay qaraabo yihiin ra’iisul wasaaraha. 

Ahmed Nuur Uleex wuxuu hore ugu fashilmay in ninka la magacaabay uu geeyo mashruuca, waxaa taas ka diiday wasiirkii hore ee Beeraha iyo Daaqa Hon. Axmed Madoobe Nuunow, isagoo markii dambe xilkiisa ku waayeKadib, ayaa waxaa wasiirka Beeraha iyo Daaqa loo soo Magacaabay Maareeye oo xariir fiican uu kala dhaxeeyo Axmed Nuur Uleex oo ay ka wada tirsanaayeen kooxdii Xasan Cali Kheyre. 

Maareeye ayaa markii uu xilka la wareegay waxa uu ka dhaadhiciyey hay’adaha fulinaya mashruuca in wasaaradda beeraha federaalka la hoos keeno mashruuca, loogana soo wareejiyo HirShabeelle, taasi oo lagu guuleystay. 

Arrintaas waxaa Maareeye iyo Uleex kala shaqeeyey saaxiibkood Yaxye Cali Hareeri oo ay ka wada tirsanaayeen team Xasan Cali Kheyre. Yaxye oo la taliye ugu magacaaban Madaxtooyada HirShabelle ayaa qeyb weyn ka qaatay in mashruucan la hoos geeyo federaalka.

Uleex ayaa kadib wasiirka beeraha Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) u gudbiyey nin ay isku beel yihiin oo lagu magacaabo Mohamed Salah Abdi oo ka soo jeeda waqooyi bari Kenya, si loogu magacaabo agaasimaha mashruuca, sida ku cad warqadda magaaabista oo ay heshay Caasimada Online. 

Arrintan ayaa ka careysiisay maamulka xafiiska madaxtooyada HirShabeelle oo sanado badan ka soo shaqeynayey diyaarinta mashruuca. Waxaa sidoo kale la-yaab ku noqotay in nin aan deegaanka ka soo jeedin oo aan aqoon u laheyn hab qabiil loogu gacan geliyo mashruuc u baahan wada-shaqeynta iyo isku xirka bulshada deegaanka. 

Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe oo lagu yaqaan inuu yahay nin dabacsan oo aan go’aan adkeyn ayaan illaa hadda wax tallaabo ah qaadin, si uu isaga caabiyo faro-gelinta ka timid xafiiska ra’iisul wasaare Xamza. 

Siyaasiyiin iyo dad kale oo deegaanka ah oo marar badan kula taliyey inuu arrintan ku gacan sayro ayaa laga soo xigtay inuu u sheegay inuu la-tashi ka sameynayo, balse sida muuqata ay noqon doonto xilli dambe marka uu go’aan qaato, haddiiba ay dhacdo. 

Xafiiska Xamza ayaa faro-gelin xooggan ku haya maamul goboleedyada qaarkood iyo inta badan wasaaradaha dowladda, ayada oo mashruucyo badan sidan oo kale looga soo wareejiyey.

WARARKA MAANT6ka 19ka Juun 2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa diiday in la sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “”Dhuuso-Fooxiye” iyo Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Barlamaanka Mudane Aadan Madoobe “Aadan “Kintir-Uriye”? Yaa xaasaskiisa u ogolaaday inay baad ka qaataan hay’adaha dowliga Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “”Dhuuso-Fooxiye”? Yaa qabuura faa’iido ka raba Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “”Dhuuso-Fooxiye”? Yaa shacabka #Muqdisho u diiday inay dhistaan #Maqaamka #Muqdisho Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “”Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu shaqeeyo Xafiiska Raysal Wasaaraha Iyo Golaha Wasiirada Madxweyne Xassan “Dhuuso-Fooxiye” Iyo Guddoomiye Aadan “”kintir-Uriye” Ha Wiqleyso! 

Maraykanka  19ka Juun 2024 Mareykanka ayaa sii xoojinaya inuu diiradda saarayo la dagaalanka kooxaha mintidiinta Soomaaliya, kadib markii ay sii kordhayaan bartilmaameedyada lala xiriirinayo kooxda Daacish ee ka soo cusboonaatay saldhiga ay ku leeyihiin Geeska Afrika. Hogaamiyayaasha ugu sareeya IS waxay u arkaan Afrika meel ay tahay inay maalgashadaan, halkaas oo ay ka heli karaan inay si ka wanaagsan oo xor ah ugu shaqeeyaan, waxayna rabaan inay isku ballaariyaan Soomaaliya,” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan difaaca Mareykanka.

Qiimaynta Maraykanku waxa ay daba socotaa wararka sheegaya in amiirka Daacish, Abu Xafs al-Hashemi al-Qurashi, uu ka soo safray Suuriya ama Ciraaq ka dibna uu Yemen uga sii gudbay maamul-goboleedka Puntland.

Sidoo kale waxa ay daba socotaa digniino ka soo baxay saraakiil badan oo ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya oo sheegayay in IS-Soomaaliya ay sii xoogaysatay, taas oo ay ugu wacan tahay dagaalyahanno iyo hawl-wadeenno ka soo qulqulaya Yemen.

Sarkaal Maraykan ah ayaa xaqiijiyey Isniintii in weerar xagga cirka ah oo dabayaaqadii bishii hore ka dhacay agagaarka deegaanka Dhaadaar, oo 81 kiiloomitir koonfur bari ka xigta magaalada Boosaaso, lala beegsaday hoggaamiyaha IS-Somalia Cabdulqaadir Muumin.

Qiimaynta ugu horraysa ee Taliska Maraykanka ee Afrika ee 31-kii May ayaa lagu sheegay in saddex ka mid ah maleeshiyada IS lagu dilay. Inkastoo aysan cadddayn in Muumin uu ka mid yahay dadka dhintay.

Muqdisho 19ka Juun 2024 Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa lagu wadaa inuu ku dhawaaqo siyaasad cusub oo ilaalinaysa dadka magangalyo doonka ah ee dalkaas tagay muddo hore si aan loo masaafurin, sida ay sheegeen saraakiisha maamulka.

Siyaasadan cusub ayaa caawin doonta kumanaan qof oo muddo 0 sano ah ku noolaa Maraykanka balse an la siin sharciga dalkaasi.

Dadkaas ayaa isugu jira kuwo iyagoo carruur ah waalidkooda si tarhiib ah kula galeen Maraykanka, kuwo qaangaar ahaa oo si sharci darraa ku galay dalkaas balse markii danbe guursaday muwaadinad ama muwaadin Maryakanka ah.

Waxaa kale oo sharcigu caawin kari doonaa dadka dalka Maraykanka ku galay Viso balse aan laaban markii uu dhacay oo muddo tobban sanaana ku noolaa dalkaasi.

Dadkaas waxaa kale oo ku jira kuwa muddo dheer wax ka baranayey Maraykanka iyo kuwo bixinayey canshuuraha oo shaqooyin ku helay sharciyo kumelgaara oo bini’aaddanimo ah.

Sharciyaqaan Aamiin Haruun oo ka howlgala magalaada Minneapolis, ayaa Idaacadda BBC u sheegay in ku dhawaad shan boqol ilaa hal milyan oo qof ayaa la rajaynayaa inay ka faa’iidaysan doonaan siyaasadan cusub ee maamulka Biden. Waxaa jira Soomaali badan oo dalka Maraykanka ku galay qaab tahriib sanado badan ka hor kuwaas oo inta gaarta mudda 10 sanaa sidoo kale ay heli karayaan fursadan sida uu xusay garyaqaan Aamiin Haaruun.

Aqalka Cad ayaa rumeysan in in ka badan 500,000 oo xaasas ah oo haysta dhalashada Mareykanka ay ka faa’ideysan doonaan, marka lagu daro 50,000 oo dhallinyaro ah oo ka yar 21 sano oo ay dhaleen waalidiin hayBarnaamijku wuxuu u oggolaanayaa lammaanaha iyo carruurtaba inay codsadaan deggenaansho rasmi ah iyaga oo aan ka tagin Maraykanka, nidaamka ayaana Meesha ka saaraysa habraac dheer oo suurtagal ah haddii uu tarxiil imaan lahaa in qoysasku go’aan.sta dhalashada Maraykanka.

Muqdisho 19ka Juun 2024 Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa si jees-jees ah uga jawaabay Xildhibaan Dayax Cumar oo ka tirsan Golaha Shacabka oo maalmihii dambe ay isku weerareen baraha bulshada.

Labada nin oo maalmahan ay xiisad xooggan ka dhaxeysay ayaa isku qaaday weerar afka ah, ayada oo wasiir Jaamac uu kasoo jawaabay qoraal uu ku weeraray Xildhibaan Dayax, kaasi oo uu ku sheegay in wasiirka ay ku hayaan booska wasaaradda gaashaandhiga dowladdo shisheeye iyo dano gaar ah.

“Soomaali way ogtahay in aadan lahayn aqoon iyo waayo aragnimo aad ku noqoto wasiir difaac hase yeeshee waxaysan ogeyn in dowlado iyo dano gaar ah meesha kugu hayaan,” ayuu xildhibaanka ku yiri qoraal uu ku weeraray wasiir Jaamac.

Wasiirka gaashaandhiga ayaa weerarkan uga jawaabay “si jees-jees ah” isaggoo Dayax ku tilmaamay mid aan caqli badan laheyn oo ay kasoo dhex hadlayaan siyaasiyiin kale oo banaanka iman karin, sida uu hadalka u dhigay.

“Mudane Afhayeen waan jeclaan lahaa Odayaasha ku soo direy iney laamiga soo istaagaan isna cadeeyaan iney raali ka yihiin in Ethiopia qaadato dhul iyo Bad Soomaaliyeed, kumase dhacaane,” ayuu yiri wasiir Jaamac.

Waxa uu intaas kusii daray “Adiga waxaan kugula talin lahaa inaad masaasadaadii iyo abuu-waladkaagi isaga laabato, una sheegtid iney iyagu laamiga yimaadaan. Somaaliya Soomaali baa leh.”

Halkee ayey kasoo bilaabatay xiisadda labada nin?

Labadaan nin ayaa sida muuqata uu ka dhaxeeya xilaaftan siyaasadeed muddo huursanaa, ayada oo ay isku qabteen hanaanka hoggaamineed ee wasaaradda difaaca iyo dagaalka Itoobiya.

“Sidee Ethiopia ugu adkaan karnaa? Markaa adigoo TikToker ah aad wasiir difaac noo tahay, waliba aad dumin sare ku hayso ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed. Cajiib,” ayuu yiri Xildhibaan Dayax oo maalmo kahor ka fal-caliyay jawaab uu wasiirka ka bixiyay qoraal wasiir Itoobiyaan ah uu ku sheegay inay aqoonsanayaan Somaliland.

Wasiirka oo kasoo jawaabay qoraalka Xildhibaanka ayaa wuxuu weydiiyay xilliga uu noqday afhayeen Ethiopia, isagoo kusoo hal qabsaday xildhibaankii hore ee kursigaan ku fadhin jiray.

“Xildhibaane kursigaa ku fadhido hogaamiye Maxamed Qanyare Afrax oo qadiyadaha Soomaalinimada ahmiyad u leedahay ayaa ku fadhin jirey, adigu goormaa afhayeen Ethiopia noqotey? Cajiib,” ayu Jaamac ku yiri qoraal ugu jawaabay Dayax.

Markale ayuu haddana Xildhibaan Dayax usoo jawaabay Wasiir Jaamac, wuxuuna yiri “Horta adigu meeqo Jaamacaa tahay?!. Nin haduu dadkiisa iyo dalkiisa dhagar ka galo, si kasta oo uu daruuraha ama dayaxo u koro. nabsaa deyne ma ogtahay Jaamacow.”

Sidoo kale waxa uu xildhibaanka ku eedeeyay Jaamac in kursiga loogu hayo rabitaanka dowladdo shisheeye iyo dano gaar ah, islamarkaana uusan laheyn aqoon iyo waayo aragnimo uu ku noqdo wasiir difaac, sida uu sheegay.

Muqdisho 19ka Juun 2024 Xildhibaan Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Xasan Gablax oo ka tirsan barlamaanka Puntland, degaan doorashadiisuna tahay gobolka Mudug ayaa ka digey heshiis ay guddiga gacanta ku haya dekedda Garacad la galaan shirkad laga leeyahay waddanka Imaaraadka Carabta.

Gablax ayaa uga digey guddiga Wadaagsan ee dekedda maamula in ay galaan heshiis aan la shaacin, wuxuuna xusay in heshiis aan la gala tashan waxgaradka iyo bulshada gobolkaasi uu wiiqi doono xiriirka ka dhexeeya Imaaraadka iyo bulshada Soomaaliyeed.

“Anigoo ku hadlaya xilka xildhibaanimo ee laga soo doortay degmada Jarriiban, waxaan halkaan uga digayaa Guddida Shirkadda Wadagsan inay ku degdegaan heshiis aan la shaacin oo khuseeya Dekedda Garacad oo ay la galaan shirkad ay dawladda Imaaraadka Carabtu leedahay,” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Gablax.

“Shirkada Wadagsan keligeed iskama leh dekedda Garacad. Odoyaasha iyo dadka aan kasoo jeedo ee Mudug, lagalama tashan hantidooda ay maalgashadeen, waxayna ka walaacsan yihiin hubanti la’aanta uu heshiiskani ka dhex abuuri karo xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.”

Imaaraadka Carabta, oo adeegsanaya shirkadda DP World ayaa waxa ay hadda heshiis maamul kula jiraan laba ka mid ah dekadaha Soomaaliya, kuwaas oo kala ah dekadda Berbera iyo dekedda Boosaaso.

Si kastaba, inkasta oo horumarin wanaagsan ay ku sameeyeen dekadda Berbera, haddana Imaaraadka qarash badan kuma bixin umana casriyeyn dekadda Boosaaso, si la mid ah tan Berbera.

Dadka reer Puntland qaarkood ayaa aaminsan in Imaaraadka aysan daacad ka aheyn inay horumariyaan dekadda Boosaaso, islamarkaana ujeedkooda markii horeba uu ahaa inay gacanta ku dhigaan si ay uga hor-istaagaan dalal iyo shirkado kale in ay la wareegaan maamulka.

Muqdisho 19ka Juun 2024 Saraakiil Mareykan ah ayaa shaaca ka qaaday in ay meesha ka baxeen dhammaan guulihii ay ciidamada Soomaaliya ka gaareen Al-Shabaab markii dagaalka lagu qaaday kadib dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in lixdi bil ee la soo dhaafay ay Al-Shabaab dhinaca kale ugu rogeen guulihi ay ciidanka Milatariga Soomaaliya ka gaareen howlgallada ay kula dagaallamayaan Al-Shabaab.

Arrintan ayaa ka dhigan in dagaalka cusub ee dowladda ay qorsheyneyso inay ku qaado kooxda uu ka dhigan yahay mid cusub oo hadda iyo kow ah.

Saraakiisha difaaca Mareykanka waxay kale oo sheegeen, in tirada maleeshiyaada Al-Shabaab ay hadda dib ugu soo laabatay tiro u dhaxeyso 12,000 ilaa 13,000 oo dagaalyahan.

Kororkaasi ayay sheegeen inuu dhacay kadib marki ay Al-Shabaab xoojisay isku daygeeda dhallinyarada ay qorato iyo dhaqaalaha soo galo kooxda, iyaga oo si gaar ah uga faa’iideystay is-afgaradki horraanti sannadkaan ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland, kaas oo marki danbe keenay inuu xumaado xiriirka diblamaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Mareykanka ayaa horey uga digay in Al-Shabaab ay is-afgaradkaas u adeegsan karto in ay ku qoroto dhallinyaro cusub, waxaana hadda muuqata in ay sidaas dhacday ayaga oo ka dhaadhicinaya dhallinyarada in ay dalkooda ka difaacan cadowga soo jireenka ah.

Dagaalka ay dowladda Soomaaliya ku haysay Al-Shabaab ayaa hadda hakad ku jira muddo sanad ku dhow, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh uu ku mashquulay arrimo kale oo aan sidaas muhiim u aheyn.

Xogta qaar ayaa sheegeysa in dowladda Soomaaliya ay wajahday dhaqaale xumo, ayna awoodi waysay lacag ay ku maal-geliso dagaalka, taasi oo keentay hakadka ku yimid.

WARARKA MAANT6ka 18ka Juun 2024 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa dhahay Madaxweyne Farmaajo naagtiisa uu furay ayuu xaaraan kula seexdaa oo ilmo uga dhalay Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “”Dhuuso-Fooxiye”? Yaa been ka sheegi jiray Ciidanka Xoogga Dalka ee #Eritrea lagu soo tababaraayey Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “”Dhuuso-Fooxiye”? Yaa hantidii dadweynaha dhacay oo hadda xitaa qabuuraha faagaaya Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “”Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday kara in Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “”Dhuuso-Fooxiye” iyo kooxdiisa #Damu-Jadiid looga adkaaday saxaafa iyo baraha buldhada gudaha dalka iyo dibadda? Yaa ogolaaday inay xaasaskiisa baad qaataan Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “”Dhuuso-Fooxiye”?

 Ha Wiqleyso! 

Turkey18ka Juun 2024 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Turkiga ayaa magaalada Ankara kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan.

Madaxweynaha iyo Wasiirka ayaa ka wada hadlay arrimaha quseeya iskaashiga labada dal iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo xasilloonida gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa kulankaas ku wehliyey wasiirka gaashaandhigga XFS iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga.

Kulankaas waxaa si weyn loogu gurfeeyey sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto Khawaarijta Al-Shabaab.

Sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen Caasimada Online, waxay Soomaaliya ka codsatay Turkiga in dhanka duqeymaha si buuxda looga taageero.

Sidoo kale xogtaan waxay sheegeysaa in Turkigu ogolaaday taas oo wax shuruud ah uusan ku xirin, iyadoo kulankaan lagu qorsheeyey sida uu noqon doono howlgalka ciribtirka argagixisada Soomaaliya ee Turkigu uu ka qeyb qaada doono.

Diyaaradaha dagaalka Turkiga ayaa si buuxda u soo gelaya dagaalka Khawaarijta, waxaa la isku afgartay inay ka howlgalaan deegaan kasta oo Soomaaliya ay Shabaab iyo Daacish ka joogaan, waxaana hagi doona diyaaradaha saraakiisha ciidamada Soomaaliya.

Diyaaradaha dagaalka Turkiga ee Bayraktar TB2 ayaa natiijo weyn ka keeni kara dagaalka Al-Shabaab hadii ay soo galaan, kuwaas oo awooda in si kasta ay wax u dilaan, waxaana lagu heshiiyey inay Soomaaliya toos uga howlgalaan.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Turkiga Hakan Fidan waa nin awood badan oo dhowaan ka yimid madaxa sirdoonka Turkiga, waa gacanta midig ee madaxweynaha Turkiga Erdogan, waxaana kulankaan lagu tilmaamay mid miisaan leh.

Habeenkii 3-aad ayuu Xasan Sheekh ku hoyanayaa Turkiga, waxaana lagu wadaa in kulankaan ay natiijo weyn kala soo rogmato Soomaaliya oo Turkiga ka dalbatay inuu ka gacan siiyo dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan dhinaca duqeymaha.

Muqdisho 87ka Juun 2024 Xog ay heshay Warbaahubta ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Soomaaliya uu qorsheynayo inuu xilka ka qaado Taliyaha ciidanka xoogga dalka, sidoo kale xogtana waxay sheegeysaa sarkaalka loo badinayo in loo magacaabo doono Taliyaha Xoogga.

Sarkaal lagu magacaabo Jeneraal Garabey oo hadda Madaxweynaha iyo Wasiirka Gaashaandhigga kula sugan Turkiga ayaa la sheegay in la qorsheeyey in xilkaas loo magacaabo – Beesha uu ka soo jeedo waa Abgaal.

Jeneraal Garabey waa sarkaal caan ah, wuxuu aad ugu dhowyahay Sheekh Shariif oo xiligii uu madaxweynaha ka ahaa dalka uu lasoo shaqeeyey, ninkaan ayaa la sheegay inuu ku fiican yahay hoggaaminta dagaalka, mar ayuu caloosha ka dhaawacmay, isagoo ku jira dagaalka Al-Shabaab.

Khimiista soo socota ayay wararku sheegayaan in shirka golaha wasiirrada looga dhawaaqi doono magacaabidda sarkaalkaas loo wado Taliyaha ciidanka xoogga dalka, waxaana dhici karta in dib u dhac uu ku yimaado qorshahaan.

Taliyaha ciidanka xoogga Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa dhowaan ka hor yimid hoggaano cusub oo madaxweyne Xasan Sheekh uu ku soo kordhiyey taliska, arrintaas ayaa dikreetada  madaxweynaha lagu sheegay inay ku timid soo jeedinta wasiirka gaashaandhigga XFS.

Caasimada Online waxay ogaatay in Madaxweyne Xasan iyo wasiirkiisa gaashaandhigga ay Taliyaha xoogga u bandhigeen inuu shaaciyey warqadii lagu magacaabay hoggaanada cusub oo ahaa afar sarkaal, balse taliyaha ayaa diiday, waxayna u xayireed habeeno, goor dambena waxaa baahiyey wasiirka gaashaandhigga oo adeegsanaya warbaahinta dowladda.

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Xoogga ayaa aad isku khilaafsan, iyagoo dhowr jeer isku qabtay shaqada ciidanka, madaxweynaha ayaa ka gaabiyey in khilaafka labadaan nin ee soo noqnoqday, caqabadana ku noqday dagaalka Al-Shabaab uu xal u helo.

Xogta aan heyno waxay intaas ku dareysaa in madaxweyne Xasan Sheekh uu xilka Taliyaha ciidanka xoogga dalka mar kale u soo bandhigay Taliyihii kan ka horeeyey Jeneraal Odawaa, balse xubnaha noo waramay waxay sheegeen in Odawaa uu magacaabistiisa ku xiray shuruudo uu hordhigay Xasan Sheekh.

Sidoo kale waxaa jirta xog sheegeysa in Xasan Sheekh uu ka fekerayo in Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Xoogga uu hal qof u magacaabo, si looga baaqsado khilaafka joogtada ah ee wasaaradda difaaca qaranka iyo taliska xoogga dalka naafeeyey.

Muqdisho 87ka Juun 2024 Ciidanka xoogga dalka ayaa howl-gal sifeyn ah ka sameeyay daafaha magaalada Buulo-barde ee gobolka Hiiraan.

Howl-galkan ayaa waxaa la xaqiijiyay inay si wada-jir ah u fuliyay ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Gorgor iyo kuwa loo yaqaano Ilaalo Qaran.

Ciidankan ayaa isku maray qaar kamid ah tuulooyinka hoostaga degmada,si looga nadiifiyo kooxaha argagixisada ah, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Howl-galladan ayaa qeyb ka ah dardar-galinta gulufka dagaal ee kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, ayada oo isla shalayciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ay howl-gal ku dileen ku dhowaad 30 dagaal-yahan oo ka tirsan kooxda.

Howl-galkaas oo ka dhacay deegaanno dhaca gobolka Galgaduud, ayaa sidoo kale waxaa lagu gubay gaadiid iyo saanad ciidan.

Xubnaha lala beegsaday howl-galka ayey dowladda sheegtay in si dhuumaaleysi ah kusoo galeen dhulka howdka ee lagu bartilmaameedsaday, kadibna ay ciidanka dowladda ogaadeen dhaq-dhaqaaqa maleeshiyaadkan, sidaasna lagu duqeeyay.

“Meydadkii Khawaarijta ayaa daadsan howdka deegaanka Xuseen Cageey, waxayna isaga huleeleen goobihii lagu bartilmaameedsaday iyagoo u laabtay dhanka deegaanka Cowsweyne ee gobolka Galgaduud,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay dowladda.

Dagaalka Al-Shabaab ayaa xilligaan maraya meel xasaasi ah, waxaana socda dadaallo horleh oo dowladda ku dardar-gelinayso howl-gallada ka dhanka ah kooxda oo muddooyinkii dambe uu gaabis ku yimid.

Muqdisho 87ka Juun 2024 Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ammaanay oo u mahad-celiyey dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan oo sanadkan ku marti-qaaday gudashada waajibaadka Xajka.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale ku ammaanay dhaxal-sugaha iyo boqortooyada Sacuudiga is-garab taagga wadamada Islaamka oo dhan, gaar ahaana dadaallada dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo gargaarka bani’adaannimo.

Hoos ka aqriso qoraalka Sheekh Shariif

Waxay mahad u sugnaatay Allaah (SWT), oo inoo suurta geliyey inaan markale sanadkaan kamid noqonno Muslimiintii soo gudatey waajibaadkii Xajka. Waxaan uga mahadnaqaayaa madaxda Boqortooyada Sacuudiga oo ay ugu horreeyaan Boqor Salmaan Bin Cabdul Casiis iyo Dhaxal Sugaha Maxamed Bin Salmaan, oo  adeegyo cusub oo u fududeynaayo sannadkan usoo kordhiyey  martida Alle ee sannadkan gudanaysay acmaasha waajibaadka Xajka.

Waxaan si gaar ah, dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uga mahadcelinayaa casuumaada martiqaadka qado sharafka uu u sameeyay mas’uuliyiinta sannadkan kasoo qeybgashay gudashada Xajka oo aan kamid ahaa.

Waxaan bogaadinayaa kaalinta Boqortooyada Sacuudiga ee ku aaddan isgarab taagga wadamada Islaamka oo dhan gaar Ahaana dadaallada dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo gargaarka bani’aadannimo ee ay mWaxaan Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed uga baryayaa inuu nabad iyo barwaaqo inooga dhigo.uddada dheer la garab-taagnaayeen shacabka Soomaaliyeed.

Muqdisho 87ka Juun 2024 Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warshadaha Itoobiya Tarekegn Bulbulta oo qoraal hadal badan abuuray soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter) ayaa waxa uu shaaciyay in Itoobiya ay noqon doonto dalkii ugu horreeyay ee aqoonsi siiya Somaliland.

“Itoobiya waxay noqon doontaa dalkii ugu horeeyay oo aqoonsi siiya Somaliland, waxaana xigaya inaan yeelano iskaashi dhaqaale iyo mid milatari,” ayuu yiri Tarekegn Bululta, wasiiru-dowlaha wasaaradda warshadaha Itoobiya.

Balse saacado kooban kadib waxaa hawada ka baxay qoraalkii uu soo dhigay wasiiru-dowlaha wasaaradda warshadaha ee Itoobiya kaas oo u muuqday in gebi ahaanba la tir-tiray. 

Dad badan ayaa u fasiray in Itoobiya ay gaabsaneyso ka hadalka arrintan halka kuwa kalana ay u fasireen in sababo farsamo awgood qoraalka looga saaray barta X ama Twitter. 

Haddaba muxuu ka dhigan yahay qoraalkan? 

Maxamed Mukhtaar oo ah wasiirkii hore ee batroolka Soomaaliya ahna falanqeeye ka faallooda siyaasadda geeska gaar ahaan Soomaaliya ayaa ku tilmaamay arrinkan mid aan wax badan kasoo cusbooneysiineyn halkii ay kala taagnaayeen Soomaaliya iyo Itoobiya. 

“Wasiiru-dowlaha warshada ee Itoobiya waxa uu ka hadlayay heshiiskii ay la gaartay Somaliland in uu sax yahay, taas ayuu ka hadlayay maadaama Itoobiya arrin ay muddo dheer dooneysay, hadalkiisa waxa uu daba socday heshiiskaas ee ilama aha in uu wax cusub ka hadlay”. 

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, “in qoraalka laga saaro barta X ee wasiirku uu kusoo qoray waxa ay u muuqataa in looga saaray qaab farsamo, uma maleynayo in go’aankii Itoobiya uu wax iska bedelay inta aan ognahayna kama aysan laaban laakiin waxaa jiri kara sababo kale”, ayuu sii raaciyay. 

Waxa uu sheegay in aysan jirin wax saan-saan ah oo haba yaraatee muujineysa in ay degtay xiisaddii u dhaxaysay Itoobiya iyo Soomaaliya isaga oo sheegay in Itoobiya aysan heshiis la geli karin ilaa ay aqoonsato taasina ay weli ku howlantahay. 

“Somaliland waxa aminsantahay in aqoonsigu uu u horreeyo markaa kadibna ay heshiis la geli karto dowladda Itoobiya, halka Itoobiyana ay leedahay marka dhulka nala siiyo ayaan aqoonsaneynaa, taas ayaa muuqata laakiin weli ma cada oo guddi farsamo ayaa loo saaray,” ayuu sii raaciyay wasiir Maxamed Mukhtaar. 

Bilowgii sanadkan Itoobiya ayaa qaadday tallaabooyinkii ugu horreeyay ee sharci kuwaasoo waddada u xaaraya in maalin uun dalka bad la’aanta ah ay u suurto gasho inuu isticmaalo dhul badeed kiro ah, sida ay sheegtay dowladda Itoobiya.

Waxay waxa loo yaqaanno heshiis is af-garad ah (MoU) la saxiixatay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland si ay u isticmaasho mid ka mid ah dekadaheeda.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa hore adeegsiga badda ugu sheegay inay arrin muhiim ah u tahay dalkiisa. 

Hadalkiisan oo uu sheegay bishii October ayaa Geeska Afrika ka dhaliyay xiisad.

Si rasmi ah looma shaacin qodobbada heshiiska ay wada saxiixdeen madaxda Itoobiya iyo Somaliland, taasoo ah dhibaato jirta maaddaama ay ku kala duwan yihiin waxyaabaha ay tilmaameen in ay ku heshiiyeen labada dhinac.

Kadib heshiiskaasi Soomaaliya ayaa muujisay caro weyn iyada oo heshiiska Itoobiya ay la gashay Somaliland ku sheegtay xad gudub cad iyo in lasoo fara geliyay madax bannaanideeda dhuleed.